128 Arrimood oo kamid ah Arrimaha Jaahiliyada – Shaykh Muxammad bin Cabdulwahaab
كتاب «١٢٨ مسألة من مسائل الجاهلية»
للإمام محمد بن عبد الوهاب رحمه الله تعالى
وترجمة معانيه إلى اللغة الصومالية
بقلم
محمد آدم إبراهيم شاكر
shaakir123@hotmail.com
Wuxuu yiri Sheekh Muxammad ibnu Cabdiwahaab Allaah Koreeye ha u naxariistee:
Kuwani (waxa kitaabkaan uu ka hadlaayo) waa arimo uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay (kaga hor yimid, uu ku diiday) wixii ay ku dul sugnaayeen ahlu jaahiligii Ahlu Kitaabka ahaa (waa Yahuud iyo Nasaara) iyo ummiyiintii (waa mushrikiintii Carbeed)
Waana wax uusan ka kaaftoomin qofka Muslimka ah garashadeeda (inuu garto arimahaani uu Rasuulka ﷺ inkiray ee Jaahiliga ahaa).
Lidka (wax wax ka soo hor jeedo) waxaa muujiyo quruxdiisa lidka (kale) (wixii ka soo hor jeeda oo kale) (qof dheer wuxuu dhererkiisa aad u muuqanayaa markuu qof gaaban la socdo, ama qofka fiican waxay fiicnaantiisa aad kuugu muuqanaysaa markaad qof xun aragto) – waxyaabahana waxay ku cadaadaan wixii ka soo hor jeedo.
Waxa ugu muhiimsan ee arinkaasi (jaahiliga) ku jira uguna khatarnimo daran waa qalbiga uu rumayn waayo wuxuu la yimid Rasuulka ﷺ, haddii uu ku darmo arrinkaasi (oo rumayn-la’aanta ah) wanaag u arkid waxa ay ku sugan yihiin jaahiliinta khasaaradii way dhamaystirmatay (oo khasaaro ma dhinno hadii wixii uu Rasuulka ﷺ la yimid la rumayn waayo wanaagna loo arko waxa ay jaahiliinta ku sugan yihiin) siduu yiri Allaah Koreeyee: “Kuwa rumeeyay baadilka kuna kufriyay Allaah kuwaasi waa kuwa khasaaray.”
- (Mas’alada koowaad ee uu Nabiga ﷺ ku khilaafay kuwaasi waxay ahayd) ayaga (waa jaahilayada) waxay (Allaah) ku caabudaan ayagoo kula wadaajinaayo saalixiinta baryada Allaah iyo cibaadadiisaba (waxayna sidaasi u yeelayeen) ayagoo rabaan inay saalixiinta uga ergo noqdaan Allaah agtiisa (waxayna sidaasi u sii yeelayaan) maladooda ay u maleenayaan darteeda in Allaah uu jecelyahay arinkaasi (ay sameenayaan) iyo in saalixiinta ay jecelyihiin arinkaasi, siduu Allaah koreeyee yiri:
“Waxay caabudayaan (mushrikiinta) Allaah sukadiisa wax aan dhibaynin (haday iska dhaafaan) waxna aan u taraynin (hadday sameeyaan) waxayna leeyihiin kuwaani waa kuwa nooga ergo noqonayaan Allaah agtiisa.”
Allaah Koreeye wuxuu yiri: “Kuwa sameestay Allaah sukadiisa awliyo (waxay leeyihiin) uma caabudayno kuwaani waxaan ka ahayn inay noo dhaweeyaan Allaah u dhawaansho.”
Tanina (waxay mushrikiinta sameenayaan) waa mas’alada ugu wayn ee uu ku khilaafay Rasuulka ﷺ mushrikiinta, wuxuu la yimid (Nabiga ﷺ) Ikhlaas (Diinka oo Allaah loo barax tiro), wuxuuna sheegay in Ikhlaasku yahay Diinkii Allaah uu ula soo diray Rususha oo dhan, iyo inaan la aqbalaynin acmaasha Ikhlaas maahanee, wuxuuna sheegay in qofkii sameeya waxay wanaajisteen (oo ay ayaga wanaag u arkayaan) in xaqiiqdii uu Allaah ka xarimay Jannada hooygiisana uu ka dhigay Naarta.
Tanina waa mas’alada darteeda ay ku kala tageen dadka ayna ku kala noqdeen Muslim iyo gaal, waana mida ay agteeda ka dhacday cadaawada (waxa lagu kala coloobay waa arinkaan), darteeda ayuuna Allaah u jideeyey Jihaadka siduu Allaah yiri:
“La dirira gaalada ilaa laga waayo fitno (shirki) Diinkana u ahaado (u saafi garoobo) dhamaantiisa Allaah.”
- Jaahiliyada waxay ahaayeen kuwo ku kala tagsan diinkooda, siduu Allaah Koreeye yiri:
“Koox kasta waxay haystaan ayay ku faraxsan yihiin,”
sidaasoo kalena (way ku kala tagsanaayeen arimaha) aduunyadooda, waxayna u arkaayeen in arinkaasi (kala taga ah) uu sawaabka yahay, wuxuuna la yimid (Rasuulka ﷺ) in lagu midoobo Diinka (Islaamka) waxa uuna kula yimid qawlkii Allaah:
“[Allaah] wuxuu idinkaga jideeyey Diinka wixii uu kula dar-daarmay Nuux (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) iyo wixii aan kuu waxyoonay (adiga Rasuulka ah ﷺ) iyo wixii aan u dardaarannay Ibraahiim iyo Muusa iyo Ciise nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee (dardaarankaasi oo ahaa) in aad oogtaan Diinka aydaana ku kala tagin Diinka dhexdiisa.”
Waxaana uu yiri Allaah Koreeye: “Kuwa kala geeyey Diinkooda ahaadayna kooxo kooxo waxba ugama mid tihid (meelna kama soo gashid ayagana meelna kaama soo galaan waxba isuma ihidiin),”
wuxuuna Allaah inooga reebay qawlkiisa u ekaanshiyaha (isu ekeen siinta) kuwaasi:
“Hana ahaanina kuwii kala tegay oo kale isna khilaafay ka dib markuu u yimid aayaatkii cad cadaa,”
wuxuuna nooga reebay (Allaah) kala taga aduunyada dhexdeeda:
“Qabsada xariga Allaah dhamaantiina hana kala tegina.”
- (Mas’alada 3aad uu Nabiga ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd in ay u arkayeen) in la khilaafo oo laga hor imaado waliyul amriga (qofka madaxda ah) iyo in loo hogaansami waayo ay tahay fadiila (wax wanaag dheeraad ah leh), maqlidana (waliyul amriga warkiisa la maqlo) iyo adeecida (amarkiisa la adeeco waxay u arkaayeen) dulli iyo ihaano (liidnaan ayay u arkayeen), wuuna ku khilaafay Rasuulka ﷺ jaahiliyadaasi wuxuuna amray in lagu sabro tagri falka madaxda, wuxuuna amray maqlid iyo adeecid madaxda loo sameeyo (waa wixii macruuf ah) iyo in loo naseexeeyo (markii ay qaldamaan), wuuna adkeeyay Rasuulka ﷺ arinkaasi wuuna muujiyey wuuna ku cel celiyey.
Sedexdaanina waa midda uu (Rasuulka ﷺ) ku aruuriyay wixii uga ansaxay saxiixa oo ah inuu yiri (Nabiga ﷺ):
“Allaah wuxuu raali idinkaga noqonayaa sedex (arimood) oo ah inaad caabudaan Allaah aydaana u shariik yeelina Allaah waxba, iyo inaad qabsataan xariga Allaah dhamaan (kala harid la’aan) oo aydaan kala tagina, iyo inaad u naseexaysaan dadkuu Allaah arinkiina u dhiibay (madaxdiina).” Xadiithka waxaa soo saaray Muslim.
Mana ku dhicin hoos u dhac dadka Diinkooda iyo aduunyadoodaba illaa waxaa sabab u ah hoos u dhac ku yimaada sedexdaan arimood ama wax ka mid ah.
- (Mas’alada 4aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) in jaahiliyada diinkooda uu ku dhisnaa usuul ay ugu waynayd taqliid (ab-kasoo-gaar wax ay aabayaashooda ka soo gaareen), taqliidkuna uu yahay qaacidada ugu wayn ay gaalada dhamaantooda leeyihiin koodii ugu horeeyey iyo koodii ugu dambeeyey, siduu Allaah u yiri:
“Sidaasoo kalena uma aanan dirin hortaada magaalo mid u diga illaa waxay dhahaayeen kuwaada loo nimceeyey anaga waxaan ka helnay (ka soo gaarnay) aabayaasheena diin ay ku dul sugnaayeen, anagana waxaan nahnay kuwo raadkooda ku dayanaayo (oo aan meelna uga leexanaynin),”
Wuxuuna yiri Allaah: “Markii lagu dhaho (mushrikiintaa gaalada ahayd) raaca wuxuu Allaah soo dejiyay, waxay dhihi jireen bal waxaan raacaynaa wixii aan ka helnay (aan ka soo gaarnay) aabayaasheena ayagoo ku dul sugan, (Allaahna wuxuu yiri miyay iska raacayaan) hadii uu Shaydaanku ugu yeeraayay aabayaashooda cadaabka (Naarta) Saciiro.”
Nabigana ﷺ wuxuu ula yimid jaahiliyada qawlkii Allaah:
“Waxaad dhahdaa (Nebiyow) waxaan idinku waaninayaa hal arin oo keliya (taasoo ah) inaad isu taagtaan (u jihaysataan) Allaah adinkoo laba laba ah iyo adinkoo keli keli ah ka dibna aad fikirtaan inaanu ahaanin saaxiibkiin (Nabi Muxammed ﷺ) nin waali ku sugan.”
iyo qawlkii Allaah ayuu ula yimid: “Raaca waxa la idinkaga soo dejiyay xaga Rabigiina, hana raacina Allaah sukadiisa awliyo yaraa, inta aad waansamaysaan.”
-
(Mas’alada 5aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) in qawaacida jaahiliyada (ay wax ku miizaamaan) kuwooda ugu waawayn ay ka mid ahayd ku kadsoomida ay ku kadsoomeen badnaanshiyaha (meesha ay dadka u badan yihiin), waxayna u xujaystaan badnaanshiyaha saxiixnimada shayga, waxayna u daliishtaan baadilnimada shayga hadba siday dadka u qariibsadaan (ula yaaban yihiin) waxaasi iyo sida ay u yar yihiin dadka shaygaasi taageersan, wuxuuna ula yimid Rasuulka ﷺ wax ka soo hor jeeda arinkaasi (miisaanka ay wax ku kala saarayeen) wuxuuna ugu cadeeyey meel wax ka badan oo Qur’aanka ka mid ah.
-
(Mas’alada 6aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) xujo ka dhigashada ay xujo ka dhiganaayeen dadkii hore sida uu cadeeyey qawlkii Allaah:
“Wuxuu yiri (Fircoon dadkii) qarniyadii hore xaalkooda muxuu ahaa (oo miyay qaldanaayeen), kama aanan maqlin arinkaan (aad noola timid) aabayaasheenii hore.”
- (Mas’alada 7aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) daliilsasho ay daliilsanaayeen umad la siiyay awood xaga fahamka ah iyo shaqada, iyo boqortooyada iyo maalka iyo jaaha (maamuuska), Allaahna wuxuu ku radiyay arinkaasi (daliishigoodaasi) qawlkiisa:
“Xaqiiqdii waxaan makaninay (u suura gelinay, siinay reer-Caad) wax aanan idin makaninin (aanan idin suuragelinin, aanan idin siinin),”
iyo qawlkiisa ayuu ku radiyay Allaah:
“Waxayna hore u ahaayeen (Yahuuda inta aan Nabiga ﷺ la soo dirin kuwo ka rajeeya soo bixitaanka Nabi Muxammed ﷺ ) inay kaga gargaarsadaan kuwii gaaloobay, markuuse u yimid (Yahuudii) way ku gaaloobeen Nabiga,”
iyo qawlkiisa ayuu ku radiyay Allaah:
“Waxay Nabiga u garanayeen (Yahuuda) siday wiilashooda u garanayeen.”
- (Mas’alada 8aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) daliilsiga ay u daliilsanayeen baadilnimada shayga, inaysan raacin shaygaasi kuwa ducafada (taagta daran) maahanee, siduu Allaah qawlkiisa ku sheegay (waxay dheheen qawmu-Nuux):
“Ma waxaanu ku rumaynaynaa adigooy ku raaceen kuwa dulaysan (ee liita waa siday yiraahdeenee),”
iyo qawlka Allaah:
“Ma kuwaanuu Allaah ku manaystay (ku galadaystay Islaamka) dhexdeena?”
Allaahse wuu ku radiyay qawlkiisa:
“Miyuusan Allaah ahayn mid ku ogaal badan kuwa mahadiya? (Haa waaye jawaabta.)”
- (Mas’alada 9aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) ku dayasho ay ku dayanayeen culimada faasiqiinta ah iyo cubbaada faasiqiinta ah (kuwa cibaadadooda aan daliilka iyo Diinta ku dhisnayn), wuxuuna la yimid (Rasuulka ﷺ) qawlkii Allaah:
“Kuwa Xaqa rumeeyow in badan oo ka mid ah axbaarta (culimada Yahuuda) iyo ruhbaanta (culimada Nasaarada) waxay ku cunaan xoolaha dadka si baadil ah waxayna ka celiyaan (dadka) waddada Allaah (Xaqa),”
iyo qawlkii Allaah:
“Ha ku xad gudbina Diinkiina xaq waxaan ahayn (wax aan ka mid ahayn ha ku soo darina) hana raacina umad hore u dhuntay hawadooda, in badanna dhumiyay (sabab u noqotay) ayagana ka dhumay waddadii sinnayd (toosnayd).”
- (Mas’alada 10aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) daliisashada ay Diinka inay baadil ku sheegaan u daliishanaayeen faham-yarida Diinka dadkiisa iyo inaysan xifdigooda uusan jirin sida hadalkooda ahaa:
“Kuwa ku degdega ra’yiga (oo aan ra’yi fiican lahayn) waa siday ayaga yihiin.”
- (Mas’alada 11aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) daliisashada ay qayaaska faasidka ah daliishanayeen sida hadalkoodii ahaa:
“Ma tihidiin dad anagoo kale ah mooyaanee.”
-
(Mas’alada 12aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) inkiridda ay qiyaaska saxiixa ah inkireen, kan (inkirida qiyaaska saxiixa ah) iyo wixii ka horeeyey (daliilsiga qiyaaska faasidka ah) waxa kulminaayo (oo sabab ugu ah inay 2daasi isku darsadaan wuxuu yahay) fahmid la’aanta ka haysatay waxa wax kulmiya iyo waxa wax kala saara (garasho la’aantaasi ayaa ugu wacan).
-
(Mas’alada 13aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) ku talax tagidda ay culimada wanwanaagsan ay ku talax tageen, sida qawlkii Allaah ku xusan:
“Kitaabka dadkiisiyoow ha ku talax tegina (ha ku xad gudbina) diinkiina, hana ka dhihina Allaah waxaan xaq ahayn.”
-
Wixii soo hor maray oo dhan waxay ku dul dhisan yihiin qaacido ah nafyi (diidmo) iyo ithbaat (sugid), ayagana waxay raacayaan hawo iyo malo waxayna ka jeesanayaan waxay Rususha la imaadeen.
-
Ka cudur daarashadoodii ay ka cudur daarteen wuxuu Allaah u keenay ayna ugu cudur daarteen fahmid la’aan, sida hadalkoodii ay dhaheen:
“Quluubteena way xiran tahay,”
“Shucaybow wax badan ma ka fahmeyno waxaad leedahay.”
Allaah been ayuu ku sheegay warkooda wuxuuna cadeeyey in sababka arinkaasi uu yahay daboolid uu Allaah daboolay quluubtooda, daboolidaasina ay tahay sababta gaalnimadooda.
- Mas’alada 16aad waa ku badelashadoodii ay ku badeshteen wuxuu Allaah siiyay kutubta sixirka, siduu Allaah ku sheegay arinkaas qawlkiisa dhexdiisa:
“Markuu u yimid Rasuul laga soo diray Allaah agtiisa, [Rasuulkaasoo] rumaysan waxa agtooda yaala [Tawreed], ayaa koox ka mid ah kuwa Kitaabka la siiyay waxay ka tuureen kitaabkii Allaah dhabaradooda gadaashooda sidii ayagoonba aqoonin, waxay raaceen [gaaladii Yahuudda] waxay shayaadiintii ku aqrinayeen [ka sheegeen] Boqortooyadii Sulaymaan (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), mana gaaloobin Sulaymaan hase yeeshee shayaadiintii ayaa waxay ku gaaloobeen oo waxay barayeen dadka sixirka.”
- Mas’alada 17aad waa u tiirin ay baadilkooda u tiiriyaan anbiyada, siduu Allaah qawlkiisa inoogu sheegay asigoo u jawaabaayo gaaladii Yahuudda ee sixirkooda u nisbeeyeen Nabi Sulaymaan. Allaah wuxuu yiri:
“(Nabi) Sulaymaan ma gaaloobin,”
iyo qawlkii Allaah,
“Ma ahaanin [Nabi] Ibraahiim Yahuudi iyo Nasraani.”
-
Is buruntooda waxa ay u nisbo sheeganayaan, oo waxay u nisbo sheeganayaan (Nabi) Ibraahiim (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) ayagoo muujisanaayaan raacidiisa ka tegideeda (inay raacaan Nabi Ibraahiim (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) ayay ka tageen weliba ayagoo u nisba sheeganayaan Nabi Ibraahiim nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee).
-
Mas’alada 19aad: ceebeentooda saalixiinta qaarkooda ay ku ceebeeyaan ficil ay sameenayaan dadkii saalixiinta u nisbo sheegtay qaarkood, sida ceebeentii Yahuudda ee Nebi Ciise (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), iyo ceebeenta Yahuudda iyo Nasaarada ee Nebi Muxamed ﷺ.
-
Mas’alada 20aad waxay tahay rumayntooda waxyaabaha caadada ka baxsan (caqliga ku adag ee dadka ka yaabiya) ee saaxiriinta sameeyaan ay rumeeyaan iyo kuwa saaxiriinta la midka ah oo ay u rumeeyaan inay ka mid tahay karaamaatka saalixiinta, iyo u nisbeentiisa waxaasi (u tiiriyaan waxaasi saxarada ay sameenayaan) anbiyada sida u nisbeentooda Nabi Sulaymaan nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
-
Mas’alada 21aad waxay tahay ku cibaadaysigooda ay ku cibaadaystaan foorida iyo sacba tumida (sacbis).
-
Mas’alada 22aad waxay tahay inay diinkooda ka dhigteen wax lagu daaho iyo dheel dheel (maad iyo madadaalo).
-
Mas’alada 23aad waxay tahay in nolosha aduunyada ay kedisay (ay dagtay), oo waxay u maleeyeen aduunyada Allaah siiyey inay tusinayso raali ahaanshiyaha Allaah sida hadalkoodii uu Allaah inoo sheegay:
“waxaan nahnay kuwo dad iyo duunyo badan leh, mana nihin kuwo la cadaabaayo.”
- Mas’alada 24aad waxay tahay ka tegid Xaqa gelidiisa ay ka tagaan marba hadii ay kaga hor maraan Xaqa kuwa ducafada ah isla wayni iyo santaagid darteeda, Allaah Koreeyee wuxuu soo dejiyey:
“Ha eryin (ha burinin) kuwa baryaayo (caabudaayo) Rabigooda.”
- Mas’alada 25aad waxay tahay daliilsasho ay Xaqa in ay baadil ku sheegaan u daliishtaan ku hor marida ducafada (dadka taagta daran) ku hor mareen xaqa gelidiisa, siduu Allaah qowlkiisa noogu sheegay:
“Hadduu khayr ahaan lahaa noogama hor mareen (ducafada ayay dhaheen).”
-
Mas’alada 26aad waxay tahay bedelida ay Kitaabka Allaah bedeleen markay ogaadeen ka dib ayagoo og.
-
Mas’alada 27aad waxay tahay qorid ay kutubo baadil ah qoraan ayagoo u tiirinaayaan Allaah xagiisa, siduu Allaah yiri:
“Waxaa halaag u sugnaaday kuwa ku qoraayaan kitaabka gacmahooda ka dibna dhahaayaan kani (kitaabkaani) xag Alle ayuu ka ahaaday (ka yimid).”
- Mas’alada 28aad waxay tahay inaysan ayaga (jaahiliyada) aysan aqbalaynin Xaqa aan ka ahayn midka kooxdooda haysato, siduu Allaah yiri:
“Waxay dheheen waxaan rumeeneenaa waxa nalagu soo dul dejiyay.”
- Ayagoo sidaasi ah ma oga oo ma yaqaaniin waxa ay dhaheeso (ay qabaan) kooxdooda, siduu Allaah Koreeye ku baraarujiyay qawlkiisa:
“Waxaad dhahdaa (Nebiyow) maxaad u dilayseen anbiyadii Allaah hadda ka hor haddii aad tihiin mu’miniin.”
-
Mas’alada 30aad waxay tahay waxay ka mid tahay cajaa’ibta aayaatka Allaah, jaahiliyada markay ka tageen dardaarankii Allaah uu kula dardaarmay midoobida (in la midoobo), waxayna koreen (waxayna la yimaadeen) wuxuu Allaah ka reebay oo ah kala tagid, koox weliba wuxuu noqday kuwo waxay haystaan ku faraxsan.
-
Mas’alada 31aad waxay tahay sidoo kale waxay ka mid tahay aayaatka ugu cajaa’ibta badan, (taa soo ah) la colaytanka ay Diinka ay u nasab sheegtaan la colaytameen la colaytanka ugu xeel dheer, iyo jacaylkooda ay jeclaadeen diinka gaaladii la colaytantay ayaga lana colaytantay Nabigooda iyo kooxdooda (oo ay jeclaadeen) jeclaanta mida u xeel dheer, sidii ay ku sameeyeen Nabiga ﷺ markii uu ula yimid Diintii Muuse nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxayna raaceen kutubtii saaxiriinta, oo ahayd diintii reer-Fircoon.
-
Mas’alada 32aad waxay tahay ku gaaloobidooda Xaqa ay ku gaaloobaan marka uu xaqa maro cid aysan jeclayn dhiniciisa, sida Allaah asigoo nooga waramaayo yiri:
“Yahuud waxay tiri ma ahaanin Nasaarada waxba (oo wax xaq ah maku taagno), Nasaarana waxay tiri Yahuuda ma ahaanin shay korkiisa (wax xaq ah ma haystaan).”
- Mas’alada 33aad waxay tahay inkiridooda ay inkireen wixii ay qireen inuu diinkooda ka mid yahay, siday sameeyeen xajinta Baytka, wuxuu yiri Allaah Koreeye:
“Yaa nacaya Diinkii Ibraahiim aan ka ahayn qof doqomooway nafsadiisa.”
- Mas’alada 34aad waxay tahay in koox kasta ay sheegato inay tahay kooxda badbaadaysa, Allaah wuu ku beeniyay qowlkiisa:
“La imaada xujooyinkiina hadaad tihiin kuwo run sheegaayo,”
wuxuuna ku cadeeyey Allaah sida sawaabka ku jirto (oo lagu noqon karo Firqatu an-Naajiyah) qawlkiisa:
“Waxay sheeganayaan iskaba daayee ruuxii u hogaamiya wejigiisa Allaah isagoo sama fala ah.”
- Mas’alada 35aad waxay tahay ku cibaadaysiga ay ku cibaadaysanayaan cawrooyinka oo faydan siduu Allaah qawlkiisa ku sheegay:
“Markay sameeyaan faaxisho (cawradooda ay faytaan) waxay dhahayaan waxaan ka helnay (oon ka soo gaarnay) aabayaasheena Allaahna wuu na amray inaan saas sameeno (waa siday ku been abuurteene).”
-
Mas’alada 36aad waxay tahay ku cibaadaysiga ay ku cibaadaystaan xarimid la xarimo xalaasha, siday ugu cibaadaysteen shirkiga.
-
Mas’alada 37aad waxay tahay ku cibaadaysiga ay ku cibaadaystaan ka yeelasho ay rabiyaalo ka yeeshtaan axbaarta (culimada) iyo ruhbaanta (cubbaada) Allaah sukadiisa.
-
Mas’alada 38aad waxay tahay leexinta la leexiyo tilmaamaha (Allaah isku sifeeyey), siduu Allaah yiri:
“Balse waxaad maleeseen in Allaah uusan ogayn wax badan oo aad samaynaysaan (cilmi la’aanta ay Allaah ku maleeyeen ayaa ah sifo ay leexiyeen oo Allaah leeyahay ilayn cilmiga waa sifo min sifaatillaah).”
- Mas’alada 39aad waxay tahay leexinta ay leexiyeen magacyada Allaah siduu Allaah qawlkiisa ku yiri:
“Waxay ku kufrinayaan ar-Raxmaan.”
-
Mas’alada 40aad waxay tahay dafiraad (ay qaarkooda koonkaan ka dafiraan Rabigii abuurtay, iska yeel yeelid darteeda) reer-Fircoon warkooda oo kale.
-
Mas’alada 40aad waxay tahay tiirinta waxyaabo nuqsaan ah ay u tiirinayaan Allaah xumaan oo dhanna nazahnaayee, sida (inuu dhalay) ilmo iyo baahi (inuu wax u baahan yahay) iyo daalid (inuu Allaah daalo), iyadoo ay arimahaani qaarkooda (waxyaabaha ay Allaah u tiirinayaan) ay ka nazahayaan (u diidayaan) culimadooda (baadariyaashooda sida inuusan guursanin waxna dhalin, iyadoo ay arintaana ku sheegaan inuu Allaah guursaday cunugna dhalay subxaanahuu wa tacaalaa waxay ku tilmaamayaan).
-
Mas’alada 42aad: Wadaajin ay Mulkiga Allaah kula wadaajiyaan cid kale, sida Majuusta hadalkooda oo kale.
-
Mas’alada 43aad waxay tahay Qadarka oo la diido (la inkiro).
-
Mas,alada 44aad waxay tahay Allaah oo loo xujeesto Qadarka (sida inay xumaan sameeyaan sida shirkiga iyo wixi la mid ah ka dibna dhahaan Allaah ayaa qadaray).
-
Mas’alada 45aad waxay tahay Sharciga Allaah oo looga hor yimaado Allaah Qadartiisa (sida inay dhahaan hanuunka Allaah nooma qorin oo maxay ka ogyihiin mustaqbalkooda siduu noqon doono inuu Allaah hanuun u qoray iyo inuusan u qorin).
-
Mas’alada 46aad waxay tahay samanka oo la caayo, sida hadalkooda ay yiraahdeen Allaahna noo sheegay:
“Nama halaagaayo waxaan waqtiga ahayn.”
- Mas’alada 47aad waxay tahay nicmooyinka Allaah oo loo tiiriyo cidaan Allaah ahayn, sida qawlkii Allaah ka sugnaaday:
“Nicmada Allaah ayay garanayaan (inay xaga Allaah ka timid) ka dibna way inkirayaan.”
-
Mas’alada 48aad waxay tahay ku gaaloobid aayaatka Allaah oo lagu gaaloobo.
-
Diidid ay aayaatka Allaah qaarkooda diidaan.
-
Waa hadalkooda ay dhaheen:
“Allaah waxba kuma soo dejinin dadka (waxay inkirayaan risaalada xaga Allaah ka timid).”
- Waa hadalkooda ay Qur’aanka ka sheegeen oo waxay dhaheen:
“Qur’aankaani ma ahaanin hadal qof yiri mooyee.”
-
Ceebeen la ceebeeyo (oo xumaan lagu sheego ama ula jeedo la’aan lagu tilmaamo) Xikmada Allaah Koreeye.
-
Sameen la sameeyo xeelado muuqdo iyo kuwo qarsan si ay isaga riixaan (isaga celiyaan) wixii ay Rususha la timid, siduu Allaah Koreeye inoo sheegay:
“Way shirqooleen (Xaqii) ayagana Allaah ayaa makray (oo dabankii ay Xaqa u dhiga islahaayeen ayuu Allaah ayaga ku riday),”
iyo qawlkii Allaah:
“Waxay tiri koox ka mid ah kuwa Kitaabka la siiyay rumeeya waxa lagu soo dul dejiyay mu’miniinta maalinka gelinkiisa hore kuna gaalooba maalinka gelinkiisa dambe (si ay u kala fur furaan Muslimiinta shaki iyo shubuhna u geliyaan ayay sidaasi u yeelayaan).”
-
Qirid ay qirayaan Xaqa si ay u gaaraan siday isaga reebi lahaayeen Xaqa siduu Allaah ku yiri aayadda.
-
Tacasubid mad-hab loo tacasubo, sida qawlkii Allaah Koreeyey:
“Ha rumeesanina qof diinkiina raacay mooyee.”
- Islaamka raacistiisa oo lagu sheego shirki, siduu Allaah Koreeye ku sheegay qawlkiisa:
“Uma ahaanin bashar inuu Allaah siiyo kitaab iyo xukun iyo Nabinimo ka dibna dadka ku yiraahda ii noqda adoomo Allaah sukadiisa.”
-
Kelimada oo laga bedelo booskeedii (macno ahaan ha loo bedelo ama lafdi ahaan).
-
Carabka oo lagu laabo (lagu leexiyo) Kitaabka.
-
Dadka hanuunsan oo lagu naanayso (loogu magac daro) Saabi’nimo iyo Khashwanimo (waa magacyo dad hore tusaale ahaan ayuu Sheekha u soo qaatay ee magacba magac ka xun ayaa dadka wanaagsani ay ku tilmaamaan).
-
Been abuurasho Allaah lagu been abuurto.
-
Beenin ay Xaqa beeninayaan.
-
Ahaanshiyahooda ay yihiin markii looga adkaado xujada (daliilka Qur’aanka iyo axaadiithta) ay u argagaxaan (u fakadaan, u cararaan) boqorada (madaxda maamulada) xagooda, siday dheheen:
“(Fircoonoow) ma waxaad u daynaysaa Muuse iyo dadkuu wato inay fasahaadiyaan dhulka).”
-
Mas’alada 63aad waxay tahay ku tuuristooda ay dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan fasahaadinta arlada sida ku jirtay aayaddii la soo dhaafay.
-
Mas’alada 64aad waxay tahay ku tuuristooda ay dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan diinka boqorka inay wax u dhimayaan, siduu Allaah u yiri asigoo noo soo gudbinaayo hadalkii ay yiraahdeen reer-Fircoon:
“(Fircoonoow) Muuse wuxuu rabaa inuu kaa tago adiga iyo ilaahaagaba (cibaadadaadaba ka tago),”
iyo siduu Allaah u yiri asigoo noo soo gudbinaayo hadalkii Fircoon:
“Waxaan ka cabsanayaa inuu (Muuse) bedelo diinkiina (waa caabudidda ay asiga caabudayaan).”
-
Mas’alada 65aad waxay tahay ku tuuristooda ay dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan in aalihada (baadilka ah) ee boqorlka hoos u dhimaayaan sida aayaadda ku jirtay.
-
Mas’alada 66aad waxay tahay ku tuuristooda ay dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan (inay la yimaadeen) diin bedelis (dhaqan rogid ama dhaqan rogis), siduu Allaah noo sheegay asigoo inooga waramaayo hadalkii Fircoon:
“Waxaan ka baqayaa inuu bedelo (Muuse) diinkiina ama inuu dhulka fasaad ka muujiyo.”
- Mas’alada 66aad waxay tahay ku tuuristooda ay dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan inay hoos u dhigayaan boqorka (ay sumcada xukunkiisa hoos u dhigayaan), siduu hadalkoodiiba ahaa:
“(Fircoonoow) Muuse wuxuu rabaa inuu kaa tago adiga iyo ilaahaagaba (cibaadadaadaba ka tago).”
- Mas’alada 68aad waxay tahay sheegashadooda ay sheegtaan inay ku camal falaan Xaqa ay haystaan, sida hadalkoodii:
“Waxaan rumeenaynaa wixii nalagu soo dejiyay,”
ayagoo ka tagaayaan (oo aan waxba ku camal falaynin ayay sheeganayaan inay ku camal falayaan).
-
Mas’alada 69aad waxay tahay kordhin ay cibaadada kordhiyaan, sida samayntooda maalinka Caashuuraa.
-
Mas’alada 70aad waxay tahay naaqisintooda ay cibaadada naaqisiyaan, sida ka tegidooda ay ka tagaan istaagidda Carafaat.
-
Ka tegiddooda ay waajibka uga tagaan xalaal miiridnimo darteeda (waa marmarsiyo aanan jirin).
-
Ku cibaadaysigooda ay ku cibaadaystaan inay ka tagaan rizqiga kiisa wanaagsan.
-
Ku cibaadaysigooda ay ku cibaadaystaan inay ka tagaan quruxda (ziinada) Allaah.
-
Ugu yeeristooda ay dadka ugu yeeraan baadi cilmi la’aan.
-
Ugu yeeristooda ay dadka ugu yeeraan gaalnimo ayagoo og (oo cilmi u leh inay gaalnimo ugu yeerayaan dadka).
-
Dhagartii waynayd, sida ficilkii reer-Nuux.
-
In hor joogayaashooda ay yihiin caalim faajir ah iyo caabid (qof cibaado badan) jaahil ah, sida ku jirtay qawlkii Allaah:
“Koox ayaga ka mid ah ayaa waxay maqlayeen Kalaamkii Allaah ka dibna way badelayaan markay garteen ka dib ayagoo og, markay la kulmaan mu’miinta waxay dhahayaan waan rumeenay markay isku keliyoobaana waxay dhahayaan ma waxaad u sheegaysaan mu’miniinta wuxuu Allaah idin furay si ay idin kula doodaan Rabigiina agtiisa miyaydaan wax garanaynin miyaysan ogayn in Allaah uu ogyahay waxay qarsanayaan iyo waxay muujisanayaan waxaa ka mid ah ummiyiin (kuwo aanan waxba qorin waxna aqrinin) oo aanan ka garanaynin Kitaabka yididiilo mooyee waxaan malo ahayna kuma socdaan.”
-
Sheegashadooda ay sheegtaan inay yihiin awliyada Allaah dadka sukadooda (awliyanimada inay dadka kale uga sukeeyaan ayay sheegtaan).
-
Sheegashadooda ay sheegtaan inay jacaylka Allaah weliba ayagoo ka tagayaan Sharciga Allaah, Allaah wuxuu qawlkiisa uga dalbaday:
“Waxaad ku tiraahdaa (Nebi Muxammedow) hadii aad Allaah jeceshihiin aniga i soo raaca Allaahna wuu idin jeclaanayaayee.”
- Yididiilayntooda yididiilada beenta ah (rajo beenaad dhalanteed ah ay ku jiraan), sida hadalkoodii ahaa:
“Naar na taaban mayso maalmo kooban mooyaanee,”
iyo hadalkoodii:
“Janno ma galaayo qof aan Yahuud ama Nasaaro ahayn.”
-
Ka yeelashada ay qabriyada Nabiyadooda iyo saalixiintooda ay ka yeesheen masaajido.
-
Ka yeelashada ay ka yeeshteen raadadkii anbiyadooda masaajido sida laga sheegay Cumar.
-
Faynuusyo ama nalal laga yeesho qabriyada dushooda.
-
Qabuuraha oo laga dhigto ciido (kulamo joogto ah).
-
Gawraca qabuuraha agtiisa wax lagu gawraco.
-
Barakaysashada raadadka dadka la wayneeyo, sida Daaru-Nadwaa, iyo faanid uu faano qofka ay gacantiisa ku jirto arinkaasi, sidii lagu yiri Xakiim binu Xazaak: “Ma waxaad iibisay maamuuskii Quraysh?” Wuxuu yiri: “Way tagtay waxyaabihii la isku maamuusi jiray Alle-ka-cabsigii mooyaanee.”
-
Nasabkoo lagu faano.
-
Nasabka (dadka) oo la duro.
-
In lagu roob dalbo xidiga.
-
Baroorta (tacsiyada).
-
Fadaa’ishooda (waxyaabaha ay dadka kale kaga duwan yihiin) kan ugu wayn waa xad gudub, Allaahna wuxuu ka sheegay arinkaasi wuxuu ka sheegay.
-
Fadaa’ishooda kan ugu wayn wuxuu ahaa nasab ku faanida, Xaqba ha ahaado, waa laga reebay.
-
Qofka oo ugu tacasubaayo kooxdiisa gar iyo gardaro waa arin agtooda laazim ka ah Allaahna wuxuu ka sheegay arinkaasi wuxuu ka sheegay.
-
In diintooda (dhaqankooda) ay ka mid tahay qofka oo loo qabsado dambi uu galay qof kale, Allaah wuxuu soo dejiyay:
“Nafna naf kale dambigeeda ma qaado.”
- Qofkoo lagu ceebeeyo wax qof kale ku sugan wuxuu yiri Rasuulka ﷺ:
“Ma hooyadiisa ayaad ku ceebeesay (ceeb uga dhigtay)? Waxaad tahay qof ay ku dhex sugan tahay jaahiliyad.” Waxaa soo saaray Bukhaari iyo Muslim.
- Ku faanid lagu faano wilaayada (maamulidda) Baytka (Kacbada), Allaah wuu ku ceebeeyey arinkaasi qawlkiisa:
“Adinkoo isku kibrinaayo (isku weeneenaayo) Kacbada adinkoo cawa baashaalaayo (Qur’aanka aad maad iyo madadaalo ka dhiganaysaan) adinkoo hadal xun.”
- Ku faanid ay ku faanayaan ahaanshiyahooda ay yihiin awlaaddii Anbiyada, Allaahna wuxuu la yimid qawlkiisa:
“Taasina waa ummad tagtay, waxayna mudatay waxay kasbatay, adinkuna waxaad mudanaysaan waxaad kasbateen.”
-
Faanida ay ku faanaan farsamooyinka, sida kuwa labada safar (mushrikiinta Carab) ay ugu faaneen kuwa beeraleyda.
-
Waynida ay adduunyada ay ku wayn tahay quluubtooda, sida hadalkoodii ahaa:
“Waxay dhaheen gaaladii maxaa loogu soo dejin waayey Qur’aankaan nin degan mid ka mid ah labada magaalo oo wayn.”
-
Xukumid Allaah la xukumo sida ku xusan aayaddii aan soo dhaafnay.
-
Faqiiriintoo la xaqiro, wuxuu ula yimid Nabiga ﷺ qawlkii Allaah:
“Ha eryin (ha burinin) kuwa caabuda Rabigooda aroortii iyo galabkiiba.”
- Tuuristooda ay ku tuuraan kuwa raacay Rususha inaysan lahayn Ikhlaas (dar Allaah), iyo adduunyo raadis, Allaah wuxuu ugu jawaabay kuwaasi qawlkiisa:
“Kuma saarna xisaabtooda waxba,”
aayada iyo wixii la mid ah.
-
Malaa’igta oo lagu gaaloobo.
-
Rususha oo lagu gaaloobo.
-
Kutubta oo lagu gaaloobo.
-
Ka jeesasho laga jeesto wixii ka yimid xaga Allaah.
-
Maalinta Aakhiro oo lagu gaaloobo.
-
Beenin la beeniyo la-kulanka Allaah.
-
Beenin la beeniyo qaar ka mid ah wixii ay Rususha ka sheegtay Maalinta Aakhiro, sida ku xusan qawlka Allaah:
“Kuwaasi waa kuwa ku gaaloobay aayaatka Rabigooda iyo la-kulankiisa,”
waxaa ka mid ah beeninta qawlka Allaah ee ah:
“Boqorka maalinta abaal-marinta,”
iyo qawlka Allaah:
“(Maalinta Qiyaamaha) oo aan jirin gadasho iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco (midna),”
iyo qawlkii Allaah:
“Cid ka marqaati kacday mooyaanee ayagoo cilmi u leh.”
-
Dilid la dilo dadka kuwooda caddaaladda faro.
-
Rumayn la rumeeyo sixirka iyo Shaydaanka.
-
Diinta gaalada oo laga fiicnaysiiyo Diinta Muslimiinta.
-
Xaqoo la dhex geliyo baadilka.
-
Xaqoo la qariyo weliba iyadoo cilmi loo leeyahay (oo la og yahay waxaan la qarinaayo inay xaq yihiin).
-
Qaacidada baadida oo ah in Allaah wax laga sheego cilmi la’aan (sida in la dhaho Allaah ayaa dhahay, wax uusan Allaah dhihin).
-
Isburinta iska cad markay Xaqa beeniyeen, siduu Allaah Koreeye u yiri:
“Bal waxay beeniyeen Xaqii markuu u yimid waxayna ku dhex sugan yihiin arin is dhex yaacsan.”
-
In la rumeeyo Kutubka la soo dejiyey qaarkooda qaarna aanan la rumeenin.
-
Dooddooda ay ku doodaan waxaysan cilmi u lahayn.
-
Rususha oo la kala saaro.
-
Sheegashadooda ay sheegtaan inay raacsan yihiin salafkii suubbanaa weliba ayagoo cadeenaayaan inay dhinac marsan yihiin salafkii.
-
Ka reebitaankooda ay dadka ka reebaan waddadii Allaah ciddii Allaah rumeesay.
-
Jacaylkooda ay u qabaan gaalnimo iyo gaalo.
-
Shimbirka oo la kiciyo.
-
Faalka.
-
Baaseesiga.
-
Kitaab gaablownimada.
-
Daaquutka oo loo xukun tago (wax kasta oo Allaah ka soo haray oo loo xukun tago).
-
Iyo necbaysasho la necbaysto in la guursado labada ciidood inta u dhexaysa.
Allaah ayaana ogaan badan, nabadgalyo iyo naxariis amaan Nabi Muxammed dushiisa iyo ahalkiisa iyo asxaabtiisa ha ahaato.
Walaalahayga aan Islaamka ku walaalawnayow kitaabkii Masaa’ilul Jaahiliyah meeshaani ayuu noogu dhammaaday, wixii aan haleelay sax iyo wanaag ah Allaah ayaa ii sakhiray, wixii aan dhinac maray oo aan khaldayna waxay ka timid nafsaddayda gaabiska badan, camal kasta oo Rabbi raalli ka yahay oo aan samaynaynana mid aan Allaah ridahiisa ku dalbeenno Allaah nooga dhigo, intaasi ka dib wixii aan barannay ku camal falkooda ayaa ina hor yaalo hadda iyo wixii ka dambeeyo iyo inayno dadka gaarsiinno wixii aan barannay iyo inaynu ku sabarno wixii caqabado ah oo aynu kala kulano arrinkaasi.
Waa walaalkiina aad Diinta ku walaalawdeen Muxammed Aadam Ibraahim oo idinka dalbanaayo inaad Allaah uga baridaan asiga iyo ahalkiisa inuu waafajiyo adduun iyo Aakhiro wuxuu Allaah raali ka yahay ayagana ay raalli ka yihiin.
Wixii su’aal, sixid ama suluugmo ah oo ku saabsan kitaabkan fadlan ku soo hagaaji iimeylkan: shaakir123@hotmail.com
والله أعلم، وصلى الله على محمد وآله وصحبه وسلم