Barbaarinta San iyo Rabaynta Suubban ee Ubadka – Cabdifataax Cawed Cali
Laga soo billaabo markii Alla uu doonay uumista aadamaha ee uu abuuray aabbeheen Aadam isagoo ka abuuray carrada, hooyadeen Xawaana ka abuuray fadhisii si uu ugu dego una dugsado, intaa ka gadaal Alla waxa uu ka abuuray labadoodii ubad rag iyo dumarba leh ubadkaana ka yeelay kuwa arlada fac ka fac isaga danbeeya, fac kastoo soo koraya waxay xaq u leeyihiin inay helaan koriimo wanaagsan, koboc fiican, barbaarin san iyo rabaayad suuban, xuquuqdaasoo ay yeelanayaan ka hor dadab galka hooyadood ilaa maalintay dab ka baydhaan ee dunida lagu sagootinayo.
Waa Maxay Ubadku?
Waydiintaa warcelinteedu waa qodobo dhawra oo ay ka mid yihiin:
1.1 Ubadku Waa Hibo
Ubadku wa hibo Alla Wayne bixiyo uuna u hadiyeeyo hadba cidduu doono addoomihiisa isagoo aan isku si u siin aadamaha ubadka, hase ahaate habab kala kaana u kala siiya, qaarkood Alla waa u roonaadaa oo waxa uu isugu daraa labada nooc ee adamaha rag iyo dumar.
Qaar kale Alla waxa uu siiya lab (rag) kaliya halka qaar kalena uu siiyo dheddig (gabdho) kaliya halka qaar kalena uu ka dhigo madhalays wax ubadna aanu siin, sidaas oo ay keensatay xog-ogaalnimadiisa addoomaha iyo xikmaddiisa xeesha dheer.
Sida uu ku sheegay aayada Qur’aanka ah ee Suuratu Shuuraa aayadaha 49aad illaa 50aad.
1.2 Ubadku Waa Qurux
Ubadku waa quruxda iyo dhaldhalaalka soo jiita dhaayaha inta lagu sugan yahay adduunyadan aadkeedaba iska yar. Joogistaanka ubadku ay jeegan giriga waxay ka dhigan yihiin sida ubaxa beerta iyadoo waalidka dhalayna ay indhuhu ugu doogsadaan milicsigooda qalbiguna uu ugu bogo aragtidooda iyo maqalka hadalkooda naftuna ay si diiran ugu naalooto.
Allaha xuma ka hufnaa e wuxuu Qur’aanka ku yiri:
“Xoolaha iyo ubadkabu waa quruxda nolosha dhaw (dunida).” Suuradda Kahfi 46.
1.3 Ubadku Waa Bishaaro
Ubadka waa bishaaro Alla Sarreeye uu ugu bushaaraynayo kolba kii uu addoomihiisa siiyo.
Dhammaan ubadku markay dhashaan aad baa loogu rayrayaa dhammaan qoyska uu ku soo kordhay iyo gabi ahaanba xigaalada ilmaha waxase wax lala dhigaa jirin labada waalid ee dhalay oo iyagu si aan la qiyaasi karin ugu diirsada uguna rayraya iyadoo ay ka sii xag jirto hooyada uu beerkeeda ka so ga’ay oo si aan xad lahayn ugu muusoota maankeeduna ugu dego iyadoo isla markaana ku ilawda aragtidiisa iyo jabaqda codkiisa dhammaan waxay soo martay ee siditaankiisa iyo waliba umuliddiisa.
Alla xuma ka hufnaa ayaa aayaad dhawra inoogu caddeeyay inay ubadku yihiin bishaaro waxana ka mida:
Bushaarooyinkii Nabi Zakariye iyo Maryam
Nabi Sakariye markuu Allaah si kal iyo laab uga tuugay inuu siiyo ubad san aanuna ka dhigin madhalays Allaahna ducadii wuu ka aqbalay isagoo ay malaa’igtu u dhawaaqday jeer uu tukanaayay iyaga oo u sheegay in Allaah Sarreeye uu ugu bishaaraynaayo dhalashada Yaxye .
Sida ay sheegtay Suuradda Aala Cimraan 39.
Sidaa si lamida Alla waxa uu ubad ugu bushareeyay Maryam , wuxuu Allaah yiri:
“Xus jeer ay malaa’igtu tiri Maryaneey waxa uu Alla kugu bushaaraynayaa kelmad (odhaah) xaggii ka ahaatay magiciisuna yahay al-Masiix (kan dhul marka badan) Ciise oo ina Maryam ah…” Aala Cimraan 45.
1.4 Ubadku Waa Dardaaran
“Alla waxa uu idin dardaarmayaa ubadkiinna.” An-Nisaa’ 11.
Alla Sarreeye inaguma hallayn ubadka hase ahaate waxa uu inoo dardaarmay arrinka ubadkeenna waayo Alla Sarreeye isagaa uga raxmad iyo tudhid badan hooyada ubadka beerkeeda kasoo go’ay.
1.5 Ubadku Waa Amaano
Ubadku waa amaano adag iyo masuuliyad wayn oo si gaara u saraan labada waalid ee uu Alla ka dhex uumay iyadoo loo baahanyahay inay sida ugu habboon u gutaan amaanadaa Alla ku amaanaystay iyadoo qofkii sida ugu wacan uga soo baxa uu mutaysanayo abaal marin aaya leh, kii ku gabood falaana uu jeer danbe la kulmi doona cidhib danbeed xumida wixii uu falay.
Alla waxa uu aayad Qur’aan ah ku yiri:
“Duulka Allaah rumeeyayoow ka jira nafihiinna iyo dadkiina naar.” Taxriim 6.
Haddaba waxa ila gudboon inaynu gunta dhiisha iskaga dhigno sidaynu nafteenna iyo inta aynu ka diir naxayno uga badbaadin lahayn ba’a iyo baaba’a naartaa aanu Allaah inoo qarine inoo qayaxay dadkaasoo ay ugu muhiimsan yihiin ubadka beerkeena ka soo go’ay.
- Waa Maxay Ahmiyadda ay Leedahay Rabaynta Ubadku?
Barbaarinta iyo rabaynta ubadka yaryar iyo jiilka soo koraya waa arrin muhiimaddiisu wayn tahay diinteenaa suubanina ay meekhaam sare saartay waxana labo isku maan dhaafsanayn in ay ubadka maantu yihiin midhihii barito la goosan lahaa ayna yihiin raaca maanta jooga raaci badali lahaa ayna habboon tahay in la hagaajiyo koriimadooda, ababintoooda iyo barbaarintooda.
- Waa Maxay Rabaynta Ubadka?
Waa ubadka oo loo diyaariyo diyaarin dhammaystiran dhammaan dhinacyada noloshiisa diyaarin waafaqsan diinteenna suubban ee Islaamka si uu u badbaado una badhaadho maalmaha aadkoodaba iska kooban ee uu adduunka joogo isla mar ahaantaana uu ugu badhaadho uguna liibaano noloshiisa dhabta ah ee danbaysa.
- Dhinacyada Rabaynta Ubadka
Barbaarinta ilmaha Muslimka ah kuma koobna oo kaliya koriimada jidhkiisa hase ahaatee waxa habboon in barbaarintiisa laga abaaro dhinacyo dhawra oo ay ugu muhiimsan tahay barbaarinta ama rabaynta dhanka:
4.1 Iimaanka.
4.2 Dabci fiicnaanta iyo dhaqanka wanaagga.
4.3 Koriinka jidhka.
4.4 Kobcinta garaadka iyo koriinka maanka.
4.5 Nafsada.
4.6 La noolanshaha bulshada.
iyo dhinacyo kale oo tira badan.
- Yaa Rabaynaya Ubadka?
Dabcan barbaarinta ubadku kuma koobna oo qudha labada waalid ee dhalay hase ahaato waxa loo baahan yahay barbaarinta iyo rabaynta ubadka inay iska kaashadaan dhinacyo badan oo bulshada ka mida sida qoyska, xigaalada, deriska, goobaha wax barasho, masaajiddada iyo warbaahinta oo door muhiima ku leh barbaarinta ubadka dhanka barnaamijyada iyo hadba wixii ay baahinayaan.
- Sidee Loo Rabeeyaa Ubadka?
Waxa jira habab kala kaan ah amase wadooyin kala geddisan oo loo mari karo barbaarinta iyo tarbiyada ubadka hababkaasoo aynu ka xusayno qodobadaan:
6.1 Hagaagga Aabbaha
Hagaagsanaanta aabbuhu waxay door muhiima ka qaadataa toosnaanta, tarbiyad wanaagga iyo barbaarin samida ilmaha.
Aabbuhu markuu wanaagsan yahay waxa uu dhalaa oo dunida iyo bulshooyinka Muslimiinta ah ku soo kordhiyaa ubad fiican oo fiyaw isla markaana wanaagsan oo tarbiyad san kolkaasna ay bulshadu mahadiso.