Diiwaanka Maansooyinkii Abshir Bacadle - Maxamed Xuseen Macallin

Tusmada Buugga

Hordhaca Daabacaadda Labaad
Mahadnaq
Milicsi
Hordhigga 1aad
Hordhigga 2aad
Gogoldhig
Waa Kuma Abwaan Abshir Nuur Faarax?
Diiwaankan
Howsha Diiwaanka
Nooca Iyo Astaamaha Gabayada Bacadle

Qaybta Koowaad: Gabayada Bacadle
Halhays
Roob Doon (Gabayga 1aad)
Dardaaran
Xijaabka
Ashtako
Amiirada Khaliijka
Ayaamihii Madoobaa
Amxaariyo Tigree
S.S.D.F
Ma Ilaahey Baan Eed Ka Galey
Asharaafta
Qabri iyo Qiyaamo
Suuradaha Qur'aanka
Aroos Sharaf Le'
Ameerikaan iyo Yahuud
Ikhlaas iyo Waxdaaniyad
Waa Inaanu Isguursanaa
Bidca Qiil U Doon
Bulugley
Burburkii Baladkeena
Lacag Been Abuura
Ina Cigaal Bohoshi Loo Aasey
Geenyada Asaaggeen La Tagey
Bariiskayga Eebaa Hayee
Amey Been Naqataa
Booraan Ibliis
Baqaratu Daaxika
Sidii Bahalkii Loo Ilay
Nadaafadda Muqdisha
Tawbada Ha Seegin
Taariikh Madow Lama Dhaxliyo
Tii Allay Noqon
Salaf Iyo Khalaf
Tikniko Tuugo Xanbaara (Salsal)
Cishqigan
Kama Xoroobaan
Xantayda Ma Moogiye
Gogol Ku Xaar
Xuquuqul Insaan
Waa Inaan Difaacaa Gabdhaha
Dib U Heshiisiin
Ku Duug Qalinka
Roobdoon (Gabayga 2aad)
Xoolo Daayac
Abwaankii Dariiqooyinka
Doqonkii Gaabnaa
Duduble iyo Murunsade
Weyga Degi Waayey
Dahabka Maaroobey
Dacar iyo Dhuunkaale
Doqoni Calaf Ma Leh
Waa Kugu Dakano
Danta Guud
Aqoon Yahanka
Diidnay Doofaar
Maxkamaddaan Ku Diirsadaye
Yaa Deegaan Ah? Yaa Dool Ah?
Ri' Ka Qaada Caamada
Sababta ii Sheega?
Saar Hindi
Sacadow Yeelkaa
Qabrigii Isugu Jiray
Baabuurta PL-ka
Maxay Ahlu Towxiidku Sugi
Cayda Suubbanaha
Wixii Sabcaayey Saaxiibow
Bidci Sugulle
Nin Dhaliile Yeelkii
Dhagarna How Qaadan
Sicir Bararka
Ii Dhiib Darbaalada
Maraan Ciidan Kuu Helo
Geelle
Caado Jaahili
Cawareere Kuma Siinin
Cantarabaqash
Markii Cadowgi Loo Abay
Gaal iyo Cawaankeed
Dastuurada Guracan
Guuleed Fansalakh
Gef Loo Saxay
Gabaygu Sow Maaha
Faracii Reer Abshir Nuur
Gablan Tala Aduunay
Gob Cunsuri Ah
Gocosho iyo Hiil
Beel Yahay Gadoodayo
Ma Qadarisay Sheekhow
Qabiltuba Ha Oran
Qaata Taladeyda
Qaadow Adigaa Le'
Qabyaalad
Qabashada Rabbigay
Labadaa Ragcaa Hariye
Masjid Yaa Ka Dheeraadey?
Mahad Alle
Musxafkaa Qur'aankaa
Macallinkiyo Waalidka
Muqdisho
Maxkamadaha Islaamiga
Taley Mudan Tahay
Caashaqu Maxuu Yahay?
Hawiyoow Waa Taa
Nasabka Reer Banii Haashim
Yaad Nagu Halleyn
Hiraaboo Isku Hiloobey
Hubka Inaga Dhiga
Anigaa Hawiye Kaa Aqaan
Geedkaa Humbulan
Roob Doon (Gabayga 3aad)
War Ba Uma Hayaan Shiikhu
Hormuudkoodkoodii Guurtigaa
Hiddo-Raac

Qaybta Labaad: Jawaabo Af-Celin Ah
Hordhac
Haad-Haad Maxaa Kaa Dhigay
Hawo Been Ah
Bacadlaha Danaaniyayow
Halaqyahow Sumaysan
Akishuu Noqday
Hoyga Suugaanta
Heedhe Maad Sheegtid
Bacadlow Soo Daleel Bexe E
Hawaawig Dhab Ma Ah
Jawaabtan Sii Bacadleh
Abshirow Guuxaagii Lagu Toosye
Gobannimo
Gefka Bacadle
Haku Diganin Sheekhaa Adigay
Garashoy Yeelkeed Dheh
Dib Ugocosho
Dabato Weeyaan
Hargeysay Maxaa Xaqii Idiin Diiday?
Duulaanka Xamar
Af-Lagaado iyo Cay
Gees Isugu Bayra
Haddaad Guluf Abaabuli Lahayd
Gacan Saar

Gunaanad
Geeridii Bacadle Kaddib
Haldoorkii Abwaanka
Abwaankii Nabadda ee Bacadle
Abshirow Bacadloow (Gabay)

Raad-Raac
Dhammaad

Hordhaca Daabacaadda Labaad

Codsiyo badan oo ka yimid aqristayaasha Soomaaliyeed qaarkood ayaa waxaa inala habboonaatey inaan mar labaad dib u daabacno Diiwaanka Gabayada Abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle, siddeed sannadood ka dib daabacaaddii koowaad ee diiwaanka kan, waxaase habboon inaan is weydiino su'aasha ah maxay daabacaadda labaad ee buuggakan kaga duwan tahay daabacaaddii koowaad?

Inta aanan ka jawaabin su'aashaa waxaa xaqiiqo ah, shaqo walba oo la qabtaa waxay yeelataa ama lahaan kartaa dulduleelo iyo dhaliilo, waxaase loo baahan yahay mar walbaa in lagu dadaalo habka ugu habboon ama ugu dhaw ee loo gaari karo xaqiiqda iyo ujeedada loo baahan yahay.

Waxaa inoo suuro gashay inaanu ka saxno buugga khaladaad ku soo baxay daabacaaddii koowaad oo la xiriirta xagga qoraalka. Sidoo kale waxaanu ku soo biiriney daabacaadda labaad ee Diiwaanka Abwaan Abshir Nuur Faarax maansooyin kale oo cusub oo uu curiyey abwaanka muddadii ka danbeysey daabacadda koowaad, waayo abwaanka intii uu noolaa kama uusan suulin inuu hibaddiise suugaaneed ku cabbiro ama ku muujiyo dareenkiisa la xiriira hab dhaqanka bulshada ha ahaato dhacdooyinka siyaasadeed, diineed iyo tan bulshadeedba oo ka socda degaannada Soomaaliyeed iyo adduunka kaleba. Maansooyinkaa suugaaneed ee aanu ku soo kordhiney diiwaanka waxay la mid yihiin kuwii hore oo kale ee diiwaanka ku soo aroorey, sida gabay, geeraar, shirib iyo wixi la mid ah. Sidoo kale ujeedooyinka ay xanbaarsan yihiin maansooyinka cusub ee aanu ku soo biiriney buugga iyana kama duwana kuwii hore ujeedooyinka ay xanbaarsanaayeen.

Laakiin waxaa xusid mudan dhacdada ugu kulul ee uu ka gabyey abwaanka waxaa la dhihi karaa waa dhacdadii la xiriirtey gabadha la yiraahdo Samsam Axmed Ducaale oo muddo gaaban lagu xirey magaaladda Hargeysa, waayo arrinkaa uu ka hadley Abshir waxay dhalisey xiisad aad u adag oo sababtey in ay ka yimaadeen jawaabo tiro badan oo gabayada Bacadle ka dhiidhiyey, waxaase xusid mudan in jawaabaha badankooda ay ka yimaadeen abwaano Soomaaliyeed oo kale oo jawaabtooda u adeegsadey maansooyin gabay iyo geeraarba leh. Inkastoo jawaabaha qaarkood ay ka yimaadeen siyaasiyiin ka soo jeeda maamulka Soomaalilaan mucaarad iyo muxaafadba xilligaas, taana waxay ku tusineysaa sida looga caroodey Bacadle iyo suugaantiisa la xiriirta arrimaha Samsam iyo xarigeeda.

Waxay ahaataba waxaan filayaa in aqristayaasha ay xiiso galin doonto daabacaadda labaad ee diiwaankan. Waxaase xusid mudan in suugaanta Bacadle ay dadyow fara badan u soo jeediyeen eed iyo dhalliil laga yaabo iney ku saxsan yihiin, laakiin fikirka abwaanka waa mid uu isagu ka masuul yahay, eedeemaha qaarkoodna uu garawsaday, sida ka muuqata maansooyin danbe ee uu tiriyey.

Maxamed Xuseen Macallin
Askar, Noorweey
Juun 24, 2012

Mahadnaq

Inta aanan u mahad celin dadkii gacanta igu siiyey diiwaankan qoristiisa waa inaan xusuusanno xadiiska uu Rasuulku (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) uu ku yiri:

قال رسول الله ﷺ: 'من لم يشكر الناس لا يشكر الله.'

Taana macnaheedu waxay tahay, “Qofkii aan ku shukrin oo u mahad naqin dadka, Ilaah kuma shukriyo.” Xaqiiqdii waxay tahay inay jiraan dad dhowr ah oo gacan, maskax, hiil iyo hooba igu siiyey soo saarista buuggaan, Ilaahayna waxaan ka baryayaa in dadkaas oo idil abaalkooda u gudo. Nasiib darro halkan kuma wada xusi karo dhammaan dadkii gacanta igu siiyey buuggan, waxaase tixgelin gaar ah mudan oo aana marna hilmaami karin dadkan hoos ku xusan:

Milicsi

DIIWAANKA ABSHIR NUUR FAARAX “BACADLE”

Waxaa ii sharaf ah inaan ka qaybqaato faallada Diiwaanka Abshir Nuur Faarax, isku dubbaridkiisuna leeyahay baare Sheekh Maxamed Xuseen Macallin. Diiwaankan kuma ekeyn karno hal-abuurka Abshir Bacadle, oo waa ka baaxad wayn yahay. Noocyada qaybta tixda loo yaqaan haatan, kuwa badan ayaa kaga jira. Sidaa awgeed Diiwaankan waa muunado ka mid ah hal-abuurka Abshir. Diiwaankan waxaynu ka helaynaa maansada qaybaheeda kala duwan sida jiiftada iyo geeraarka, guurow, shirib, salsal iyo habab kale oo murtiyaysan. Diiwaanka waxaa ku badan maansooyin aad u dhismo wanaagsan, oo mindhaa gabayaagu aad ugu dhalaaliyay dareenkiisa hal-abuurka leh, ama jawi khaalis ah uu ku keli noqday, sidaana gabayadiisa ku sameeyay. Abshir wuxuu mideeyay shirib, guuroow iyo guluulucyo kale oo ku socda af-guri, iyo maansooyin lagu tiriyay lahjadaha Woqooyiga, kuna caan baxay hal-abuurka maansada. Waana arrin aad u riyaaqid mudan, taasoo ay sabab u tahay bulshada kala lahjadaha duwan, uu muddo badan ku dhexnool yahay. Isla waqtigaa arrintan waxay caddaynaysaa hal-abuurka tixda Soomaalidu inuusan wali tirokoobnayn. Inta haatan la tilmaamana ee qaybaha tixda, si nintooxsi ah loo go'aansaday, ama loo go'doomiyay. Tusaale ahaan suugaanta tixda iyo tiraabta afka Maay lama diiwaangelin, sida GAARKA (u dhigma geeraarka) BEELEY, TUUGSI (Jiiddadu ku qaaddo lahjada Maxaa Tiri, una dhow guurowga), GOLOLOW, WEGLE (Halkan loola jeedo Gabayga lo'da ama Baytanka), ADARTA (oo ah suugaan la socota SHABALKA, kana mid ah jaadadka Waalada), JIIB iyo noocyo kale oo tixda ka mid ah. Sida la ogyahay Af-Soomaaligu wuxuu ka kooban yahay lahjado yerehe kala duwan, oo isku jirrid ah, isna buuxiya, xagga micnaha ereyada, oo goobaab qur ah ku wada jira, ama sidaynu ku sifaynay GARAANGARAN. Waxaana habboon suugaanlayda Soomaaliyeed inay u dhug lahaato hodontooyadaa luqadeed ee dalkooda, soona shaac-bixiyaan, mar allaale ay taasi u suurtagasho. Sidaa awgeed Abshir Nuur ku dayasho iyo qaddarin ayuu naga mudan yahay. Dad badan oo waqtigakan jooga, ama aad u tirabadnaa qarnigaynu ka soo gudubnay, waxay ku doodaan in haddii gabaygu ku abbaarnayn dhaqanka iyo dcegaannada miyiga, uusan noqon karin mid asiili ah, oo ka baxsan hannaaanka quruxda fanka (Suwar al-Jamaaliya li al-Shicr).

Sida Abshir arrintaa loogu dhaliilay waxaa hore loogu dhaleeceeyay Cabdullaahi Suldaan Timacadde (siduu Boobe ku xusay buuggiisa Gabayadii Timacadde). Waxay ila tahay Abshir dhaliisha la doonayo in lagu tiro inaysan ahayn mid dow ah. Maansooduhu waa inuu sugan yahay. Haddii gabaygaagu, ama af-maal kaleba, isgoo magaalo jooga hal-abuurkiisu ka beyro nolosha iyo deegaanka. uu sida joogtada ah ugu sugan yahay, wuxuu noqonayaa mid ku jira riyo soo jeed. Wuxuu gabayaa kaalinta hormuudnimo uu bulshada ku leeyahay, 50 sano iyo waqti kor u dhaafayaa yay suugaantennu nolasha deegaannada miyiga, masrax iyo murtiyeen kaleba, ay dheehaysay. Caqligal ma aha in gabayaa Carbeed xilligan jooga, ama xitaa kuwii joogay qarnigii tegay, laga sugo maanso ku dherersan, xagga afkaarta, dhaqanka iyo deegaankaba, tii uu tirin jiray Al-Mutannabbi, Al-Xariiri. Bal iyagu hadalkoodba daa kuwii joogay casriyadii ka horreeyay. Way habboon tahay qaddarinta suugaanta ay dhaafeen hal-abuuriyaasheennii hore ee ku noolaa deegaanadii miyiga. Hayeeshee, gabayaaga iyo tix dhisaha kale waqtigan jooga waa inuu u horseedaa, aragtidayda, abuuris suugaaneed oo tayo iyo murti leh oo beegsaneysa waaqica bulshada, iyo isbeddal nololeedka wanaagsan ay tiigsanayso. Abshir waxaan ku qaddarinaynaa inuu abbaaray hilinkii toosnaa, oo runta ahaa. Wuxuu farta ku fiiqay walbahaarka bulshada, sida arrimaha dib-u-heshiisiinta, sicir bararka, lacagta been abuurka ah, burburkii dalka iyo aafada qaadku keenay, ay weheliyaan arrimo kale, oo haatan jira, oo wada kul- kulul. Masaa'ilka diineed oo ah dhuuxa gabayada iyo taxanaha kale uu diiwaankan koobayo, aragtidayda, Illaahay unbaa haya xaqiiqada maknuunada ah. Hab dhaama ma jiro fariddi Ilaahay ina faray “Billatii hiya axsanu.” Maantoo Muslimka jarribaadyo kala duwan lasoo gudboonaadeen, xikmaddu waxay ku jirtaa siduu iftaynayo callaamada wayn Dktr. Yuusuf Al-Qaradaawi, “Saxwadu wax weyn ayay gudi kartaa hadday awoodda howlgalkeeda ururiso, kana bayrto asraartan. Inay wax midayso oo ay kala dhantaalin, iyadoo la abbaarayo arrimaha dhuuxa ah ee guud iyo kuwa jiritaanka ummadda la xiriira, halganka gaarka ahna laga gudbo. Waa in lagu tuuntuunsado waxa dadka midaynaya, lagana saremaro khilaafka.” [Al-Islaam, bogga 193aad]

Bulshadeenuna kama ay maarmi karto ku wada noolaansho nabadeed. Isku dubbaridaha Diiwaankan, saaxiibkey Sheekh Maxamed Xuseen Macallin aad ayuu u dadaalay. Waxaa qaddarin gaar ah mudan hawaamishta sida cilmiyaysan loo uruuriyay, oo loola kaashaday baaris-cilmiyeed qoto leh. Dadaalkiisaas oo noo saamaxaya inaan “halaqjaflaysanno” qaybo ka mid ah kitaabka TARAAJUMTA uu ku howlan yahay muddo dheer, aan rajaynayo inuu soo if-baxo waqti aan fogayn.

Waxaan curiyaha iyo ururiyaha Diiwaankan u rajaynayaa in Ilaahay dadaalkooda ajar iyo sawaab ka siiyo.

Huwa nicmal-Mowlaa wa nicman-Nasiir!

Shariif Saalax Maxamed Cali
Muqdisho, Soomaaliya
Juun, 1999

Hordhigga 1aad

Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle sheekadiisa iyo gabayadiisa oo la hadal hayo waxaan maqlay 1984kii anigoo jooga magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga. Muddo ayaan maanka iyo maskaxda ku hayey in aan Abshir Bacadle barto. Sida runta ahna maalin kasta waxaa maskaxdayda ku soo dhacaayey, xusuusna igu reebtay hal murtiyeed gabay, ee Abshir xilligaa mariyey uu dhex taal uga dhigay oo ahaa:

Gablan talo adduuney maxay galabba heer joogtay.

Abshir Bacadle waxaan si sahal ah u bartay 1986kii, waxaanna ku arkay inuu yahay nin bashaash ah oo waji furan kaftanlow ah, maahmaah iyo sheekada gabayadii raggii hore u jeelan, dabeecad dadka soo jiidata leh. Isweyddiin mayno qiimaha iyo qaayaha gabaygu dadkii hore la lahaa iyo sida gabaygu bulshada Soomaalida u saameyn jirey ama heerka ninka gabyaaga ahi dadkii hore ka joogay sida loo tixgelin jirey iyo maamuuskii iyo qaddarintii bulshada dhexdeeda ku lahaa meel uu joogaba.
Abshir Bacadle waa gabyaa Soomaali ah samaha iyo wanaagga jecel dhaqanxumada wax yaalaha dhul shisheeye nooga yimi neceb, waddani dalkiisa daacad u ah, diinta Islaamka in lagu dhaqmaa jecel, labadaa arrimoodna u halgama, taasina waa dabeecad gaar ah oo bulshada Soomaalidu meeley joog taba ku talaalan.

Sida badan gabayada Abshir ee diiwaankan ku qoran oo uu isu duwey Maxamed Xuseen Macallin guud ahaan waxay sawir taariikheed ka bixinayaan hab dhaqankii Soomaalidii hore iyo xeer dhaqameedkeedii iyo waxyaabaha diin la moodda loo qaatay oo aan Kitaabka Rabbi iyo Sunnaha Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) ku jirin, gaar ahaan geeddi socodkii dawladihii Soomaalida ee kala dambeeyey iyo sababihii qaran jabkii Soomaaliya keenay.

Aw Jaamac Cumar Ciise
Nayroobi, Keenya
Luulyo, 1999

Hordhigga Labaad

Ilaa iyo xilligii uu qoraalka afka Soomaaligu hirgalay sannadkii 1972kii waxaa dadaal fara badan loo galay ururinta iyo qorista taariikhda, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida, taas oo sababtay inay aqoonyahanno Soomaali iyo shisheeye isugu jiraa dadaalkooda ka midho dhaliyaan, waxaana suura gashay in la daabaco kutub hanaqaaday oo afkeena hooyo ku qoran iyo kuwo kale oo afaf shisheeye lagu turjumay, waxaa kaloo jirey qoraal suugaaneedyo dhawr boqol kor u dhaafay oo aan la daabicin kuna kaydsanaa Akadeemiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta, qoraaladaas oo markuu dagaalka sokeeye dalka ka qarxay wax lumay iyo wax baaba'ay u qaybsamay.

Khasaarahaasina wuxuu dadyoowga wax-garadka ah ee qiimaha aqoonta wax ka yaqaana ku reebay caloolyow iyo uur-kutaallo sababtoo ah waayo-aragga Soomaaliyeed waxay arkayeen abwaaniinta iyo taariikhyahanadii cilmigan lumay maankooda laga soo dhuray oo sii dabar go'aya., si kastaba arrintu ha ahaatee in kastoo uu khasaare ballaadhan iyo dib udhac ay sida looga soo kabtaa adagtahay suugaanta Soomaalida ku habsaday haddana rag talo kama dhamaatee waxaa noo muuqda dhaq-dhaqaaqyo ay gadh wadeen u yihiin shaqsiyaad guntiga u maroorsaday inay caano daatay dabadaa la qabtayee wax bad-baadiyaan, dadkaas waxaa ka mid ah dhalinyaro nasiib u yeelatay inay suugaantooda iyo dhaqankooda hufan fahmaan isla markaana isu xilqaamay in ay uruuriyaan oo qoraan suugaanta Soomaalida.

Haddaba, haddii aan ujeedadayda u gonda dego waxaan soo joogay qoraha diiwaankan Maxamed Xuseen Macallin oo dadaal ba'an ugu jira baadidoonka suugaanta Soomaalida taasoo ay ka dhalatay inuu ururiyo agab badan oo uu ka mid yahay diiwaanka Abshir Bacadle oo uu qoruhu u guntaday xilli ay dalkeena iyo dadkeenuba xaalad qalafsan ku sugan yihiin.

Maxamed Xuseen waxaan aqaanay muddo dhawr sano ah oo ku beegnayd markii uu ku dhex jirey cilmi-baarista guud iyo midda diiwaankan ku saabsan, waxaana intaan aqaanay iiga muuqday karti iyo dadaal fara badan iyo isagoo cilmi-baarista geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay, diwaankanina waa maxsuul ka mid ah midhaha ka dhashay dadaalka Maxamed.

Waxaa lagama maarmaan ah inay dhallinyarada Soomaaliyeed iyagoo xooggooda cusub iyo aqoontooda ka faa'iidaysanaya ay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii ay suugaantooda, dhaqankooda iyo taariikhdooda u daba qaban lahaayeen, sidoo kale waxaa loo baahan yahay in dhalinyarada uu Maxamed Xusecn ka mid yahay ee dib u uruurinta dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida u heellan dhiiri-gelin iyo taageero wax ku ool ah lala garab istaago.

Brofesoor Maxamed Cabdi Maxamed 'Gaandi'
Nayroobi, Keenya
Luulyo, 1999

Gogol Dhig

Ummad waliba waxay leedahay suugaan iyada u gaar ah oo ay ku faanto, suugaantaas oo ay ku cabbirto ujeedadeeda, dareenkeeda iyo waxa ay rumeysan tahayba. Ummadda Islaamka ahina waxaa u gooni ah suugaanno diini ah oo ku fadhida caqiidadooda taas oo badanaaba ka duwan kuwa shacuubta aan Islaamka ahayn, lehna saldhig iyo tixraac fac weyn oo marjac ah. Suugaantuna waa muraayadda bulshada laga daawado, dhan kastaba ha ahaatee waxayna u kala baxdaa tix iyo tiraab. Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ka mid tahay ummadaha Muslimka ah ee ku baahsan dunida daafaheeda, oo gobollo waawayn deggan.

Sida horay loo yirina, “Soomaalidu waxay leedahay af ballaaran, lehna erayo aad u badan, dhan loo eegaba hadal iyo howraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masalo iyo madadaalo, hees iyo heelo, sheeko iyo shararraaxin, qorriin iyo qun-u-hadal.”

Annaga oo aan halkan ku dheeraanaynin ka warranka suugaanta Soomaaliyeed heerka iyo taariikhda ay soo martay, haddana waxaa lagama maarmaan ah inaan xoogaa aannu ka iftiiminno, qaybaha iyo tilmaamaha ay leedahay suugaanta Soomaalida oo aad u qoto dheer, soona martay marxalado kala duwan, marxalad walbana waxay lahayd astaamo iyada u gaar ah, taana waxay ku xirnayd hadba xilliga iyo daruufta ay ku sugnayd Soomaaliya, tusaale ahaan, xilligii ka horreeyey Islaamka qaab gooni ah ayay lahayd suugaanta Soomaalida, laakiin markii Islaamku dalka iyo dadkaba soo gaaray, oo ay qaateen diinta Islaamka uu Eebbe weyne ku soo dejiyey Nebi Muxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee), way ka duwaneyd inta ay dadku rumeysnaayeen waxyaaabo kale, sidoo kale suugaantii iyo murtidii jirtay xilliggii isticmaarka ka horreysay lama mid ahayn xilligii ay bulshadu ku jirtay xornimo raadis iyo la dagaallan gumeysi, si loo helo gobonnimo, madaxbannaani iyo xorriyad.

Si kastaba ha ahaatee suugaanta waa irrid ama kadin u furan bulshada soo aaddana fac ama kacaan kastaa ha ahaatee, oo ay dadku wax ku darsadaan, taasina waxa ay u baahan tahay xeelad gooni ah iyo fiiro gaar ah, si loola soo baxo waxa dhabta ah, loona hufo waxyaalaha diiwaangashan oo qiiqa saaran. Maskaxda furan oo caafimaadka qabtana waa tan kala sooci karta waxa dhabta ah iyo waxaan ahayn.

Ereyga suugaan markii miyiga la joogay waxay Soomaalidii hore ay u taqiiney dhawr macne oo kala duwan, mar suugaan waxaa loo yaqiinay madowga dhirta; oo ninka sahan ka yimaaddaa markuu meel doogle soo arko wuxuu odhan jirey meel heblaayo suugaan bay leedahay.

Mar kale dadka qaarkii wuxuu u yaqaanney hadalka gunuunuska ah ee aan ujeedadiisa si fiican loo garanayn; oo waa tuu ninkii maahmaahay yidhi, “hilib sooryo maaha; doqoni sokeeye maaha; suugaani hadal maaha.” Waxaase suugaani ku caan ahayd, oo carrabka dadku u badnaa in ay tahay hadalka dhaqan-galka ah ee dhuuxa iyo murtida leh.

Erayga suugaan waxaa kaloo loo isticmaali jiray in uu yahay, “dhadhansi,” oo marka la yiraahdo suugaanso la macna ah, “hadalkayga dhadhanso,” ama “cuntada dhadhanso,” taana waa mid la xiriirta dareemayaasha qaarkood. Waxaa kaloo waagii hore loo aqoon jiray suugaan cawska yar oo qoyan oo ku hara geedaha hoostooda marka uu roobku da'o, cowskaana waa mid ka duwan cawska kale ee qalalan ee ka baxa geedaha agagaarkooda, ama waxaa la oran jiray cowska qoyan oo ka baxa meel cowska qalalan ku yaalay markaana noqday mid dhaf ah markii uu roobka ku da'ay meeshaas.

Waxaa kaloo suugaani loo aqoon jiray in ay tahay hadalka dabacsan oo daciifka ah oo cabsidu ku jirto, sida laga fahmayo tuducyadan ka mid ah gabay uu mariyey Raage Ugaas:

Nin maalintaa kaa siteen laga sad qaadaynin
Suugaan hadal ah baa loo celshaa laguma sooyaansho.

Dadka qaarkood suugaanta waxay u yaqaanaan neef ka mid ah riyaha oo aan cayilnoonayn waxayna yiraahdaan neefka noocaas oo kala ah: neefka waa suugaaneeysan yahay, tabardaran yahay, waa caato.
Laakiin marar kale ayaa waxaa loo adeegsaday inay erayga suugaan inuu la toodyahay faras layli ah, sida ku timid gabay uu tiriyey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan:

Suugaan darmaan iyo ragaan salab u dhiibaayey
Raggaan sumaca maadhiinka iyo saanada u buuxshay.

Meeshana wuxuu u adeegsaday Sayidku erayga suugaan in uu yahay faras layli ah oo darmaan oo nooca fiican ah.

Run ahaantii suugaanta Soomaalida waxay sal dhig wayn u tahay raad raaca taariikheed ee aynu leenahay.

Suugaanta guud ahaan waxay u kala baxdaa tix, tiraab iyo maahmaah, tixduna waxay abwaaniinta Soomaaliyeed oo si qoto dheer u baaray u kala saareen maanso iyo heeso. Haddii aan soo qaadanno heesaha oo qeybo iyo ujeeddooyin badan leh, mar walbana isbeddel ku dhacayey, waxna ku kordhayeen, taana ay la xiriirto hadba xilliga iyo garaadka ay marayso bulshada, waxaana arrintaas kuu caddeenaya qaybaha heesuhu u kala baxaan oo kala ah:

Dhinaca kale haddii aynnu jalleecno dhanka maansada oo ka kooban qaybo kala duwan, qayb walibana raad weyn ku leh suugaanta Soomaaliyeed, sida ay u kala sarreeyaanba, xagga ku baahsanaanta bulshada iyo tayadaba, waxaana jirta in qayb ka mid ah qaybaha maansada ay noqoto mid ku firirsan dhammaan bulshada iyo deegaannadooda, islaamarkaasna qaybo kale ay go'doon ku yihiin degaan iyo bulsho gaar ah. si kastaba ha ahaatee maansada Soomaaliyeed oo qeybo badan ka kooban waxaa ka mid ah:

Gogoldhiggaan degdegga ku jira micnihiisu ma aha inaannu dhammaan maansada Soomaalidu leedahay aan mid mid u falanqeyno, oo aannu wax ka tilmaanno maanso waliba astaamaha ay leedahay iyo waxa ay la kali tahay, balse ujeedddadu waxay ku foorartaa inaannu wax ka niraahno qaybta aannu u aragno iney tahay midda ugu muhiimsan oo laysku raacsan yahay iney tahay horyaalka maansada, marka laga eego degaanno badan oo bulshadu ku baahsan tahay, maansadaas oo ah gabayga.

Waxaana xaqiiq ah in gabaygu uusan hormuud u ahayn suugaanta Soomaalida oo kaliye, laakiin ummado kale suugaanadooda iyo maansadooda uu u yahay hoggaanka suugaanta, sida suugaanta ummadaha Carbeed oo gabaygu baal dahab ah kaga jiro, ha ahaado waqtiga Islaamka ka horreeyay ama casrigii ku xigay ee Islaamka, haba soo maro marxalado kala duwan iyo duruufo kala gooni ahe.

Haddii aannu u soo noqonno gabayga kaalinta uu kaga jiro suugaanteenna, waxaa qof waliba oo garaad suugaaneed leh ogyahay in gabayga iyo gabyaaguba ay qiimo aad u weyn leeyihiin, aadna looga tix gelin jirey bulshada gudaheeda, ninkii Ilaahay hibo gooni ah u siiyayna dadka kale waa uu ka soocnaa, waana la tixgelin jiray, sideeda gabyaagu maamuus gooni ah ayuu lahaa oo aanay cidi la wadaagin, maxaa yeelay howlo aan laga maarmin oo waagii hore dadka ay u baahnaayeen ayuu u qaban jirey gabyaagu iyo gabaygiisaba, taana waxaa ka mid ah inuu kaalin weyn ka ciyaari jirey dagaallada haddii ay dhacaan oo uu ku howl lahaa dhiirro gelinta iyo ku boorrinta dagaalka, ama u dhawaaqidda nabadda, marna waxaa uu u ahaa ummadda oo uu u joogey kaalinta wasaaradda warfaafinta iyo isgaarsiinta bulshada dhexdeeda.

Hawlaha gabyaagu uu gabaygiisa ku qabto aad ayey u badanaayeen hadba waxay ku xirneyd aragtida iyo dareenka uu qabo, waxaa dhacaysay in gabyaaga Soomaaliyeed uu kala qayb gali jirey gabaygiisa murugada iyo dhibaatada haysata bulshada sida roob doonka oo uu Ilaahey gabay ku baryi jirey gaar ahaan marka uu jiilaal aad u daran dhaco. Marka ay raynreyn jirto oo ay bulshadu farxad iyo bash bash ku riyaaqayso waxa uu gabyaagu arrintaa ku cabbiri jirey gabay uu kala qeyb qaadanayo bulshadiisa farxaddaas. Taariikhda iyo qiimaha uu gabayga iyo gabayaagu bulshada dhexdeeda ku lahaa ama uu ku leeyahay waxaa uu abwaanka Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle ka tiriyey gabay aad u qiima badan oo uu ku tilmaamayo kacdoonkii Xamar 1991kii, gabaygaana waxaynu ku soo aruurinay diiwaankan, Abshir gabayadiisaas waxaa uu ku tilmaamay taariikhda gabayga iyo heerarka uu soo marayba isagoo si tifatiran oo hufan ku muujiyey caaddifaddiisa suugaaneed.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga yaabaa in uu qofku is weydiiyo, goormaa la curiyey gabaygii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed? Kumuuse ahaa gabayaagii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed? Waxaa aad u adag in jawaab laga bixiyo labadaa is weydiin, maxaa yeelay waxaan jirin qoraal iyo xaqiiqo caddeynaysa arrinkaa, Soomaalidana waxaa caado u ahayd in ay gabayga qaybaan oo korka ka qabtaan iyagoo aan haysan qalab warka lagu qoro ama lagu baahiyo, waxaana gabayada isugu gudbin jireen hab isku dhiib ah oo ay ku jirto xifdin, waxaana dhacaysay in gabay laga hilmaamo qeyb ka mid ah, haddii muddadu dheeraatana waxaa la arkaa in la wada hilmaamo, maxaa yeelay ma jirin af qoran oo Soomaali ah.

Xagga gabyaaga Soomaaliyeed haddii aan u leexanno waxaa jirtay abwaanno aad u tiro badan oo ay adag tahay in la tiro koobo oo u banbaxay jeedinta maansada gabayga, inta maanta aan is leennahayna waxay ahaayeen abwaanniin gabayaa ah waxaa ka badan inta ayna taariikhdu sheegin sababo badan awgeed, haddii aan aad u baarno abwaannada ku caan baxay gabayga ee beel walba oo Soomaaliyeed lahayd waxaa inoo caddaanaya dhumucda iyo tirada ay leeyihiin, maxaa yeelay beel walba oo Soomaaliyeed iyo jilib walba waxaa uu lahaa gabayaa ay ku faanaan oo iyaga difaaca ama ammaana, meelaha qaarkood oo gayiga Soomaaliyeed ka mid ah waxaa ka jiray gabayaa qoys ama reer walba. Marka qofkii isku kallifa in uu yiraahdo nin hebel ayaa ahaa qofkii ugu horreeyey waxaa laga yaabaa in uusan haleelin xaqiiqdii, maxaa yeelay ummado kale oo ku caan baxay ilbaxnimo muddo aad u fogna lahaa qoraallo da' weyn ayaa waxaa maanta ku adag in ay xaddidaan waxaannu soo sheegnay.

Run ahaantii waxaa la tilmaamaa qaar ka mid ah abwaannadii Soomaaliyeed oo ku caan baxay gabayga, tilmaantaasna waxay ku kooban yihiin kuwa ku gabyey afka Soomaaliga gaar ahaan qeybtiisa micyaariga (Maxaa Tiriga) maxaa yeelay lahjadaha kale ee Soomaaliyeed iyo suugaanteeda waxay u baahan tahay baaritaan qoto dheer, sababtoo ah deegaannada ku caan baxay lahjadaha ay ka mid yihiin Maay, Garre, Jiido, Tunni, Reer-Xamar iyo wixi la mid ah oo ku xiriirsan koonfurta Soomaaliya waxay la kulmeen xadaaradihii iyo ilbaxnimadii Soomaaliya ka jiray badankood, taana waxay ku reebtay raad culus oo suugaaneed, nasiib xumase arrintaa waxaa aad u fahmay aqoon yahanno shisheeye oo ka diyaariyey qoraallo cilmiyeed, marka laga reebo in yar oo qorayaal Soomaliyeed ah, halkakanna kuma aannu sheegi doonno abwaaniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda bulshooyinka u dhexeeya labada wabi.

Gabayaaga laga tilmaamo degaanada kale waxaa ka mid ah Raage Ugaas, Ismaaciil Mire, Wiil Waal, Cismaan Keenadiid, Nuur Cali Qanof, Cali Dhuux Aadan, Qammaan Bulxan Yuusuf, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Cabdullaahi Suldaan Timacadde, Salaan Carrabeey, Cali Xuseen Xasan, Cabdi Gaheyr, Cali Jaamac Haabiil, Faarax Shuuriye, Jimcaale Jaamac Lugey, Ciise Gabay, Kulan Xasan Jurun, Shiikh Axmed Gabyow, Shiikh Xasan Filey Dheere, Jimcaale Dhagataag, Cabdulle Raage Taraawiil, Rooble Macow Rooble-Boon, Shiikh Nuur Hilowle, Shiikh Cali Cabdiraxmaan Majeerteen, Aw- Muuse, Cali Sharmaarke, Khaliif Shiikh Maxamuud, Guuleed Jucfe, Cabdi Galayax, Xaaji Ilka Dahab, Xaaji Afqallooc, Ibraahim Mire Fiqi-Buraale, Xaaji Maxamed Axmed Liibaan, Shiikh Maxamed Siyaad Xeendo, Garqaniinyo, Xaaji Indho Buur, Siciid Gacaneey iyo boqollaal kale oo badan.

Gabay kastoo la curiyaa wuxuu leeyahay ujeeddo iyo sabab loo tiriyo, abwaannada Soomaaliyeed ujeeddooyin badan oo kala geddisan ayey u curiyaan gabayga, waxaana ka mid kuwan hoos ku xusan:

Waa Kuma Abwaan Abshir Nuur Faarax?

Waa Abshir Nuur Faarax Weheliye Gacal. Wuxuu u dhashay beesha Sacad ee Habargidir. Abshir wuxuu ku dhashay meesha la yiraahdo Mustaxiil oo ka tirsan dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya haysato, taariikhdu markii ay ahayd 1946kii. Abshir wuxuu ku korey agoonnimo kaddib markii aabbihiis la dilay sida uu yiri isaga:

Anoo dharabta jiifaa la yiri, dhimay adoogaaye.

Abshir waxuu ku barbaaray oo uu ku koray Mustaxiil, waxbarashadiisuna waxa uu ku bilaabey dugsi Qur'aan sida ay ahayd caadada bulshooyinka Islaamka, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Markii hore waxaa Qur'aanka u dhigay Macallin Ibraahin oo u dhashay beesha Hadamo ee qabaa'ilka Raxanweynta ka mid ah.

Waxaa ku xigay in uu ka bartay Qur'aanka Macallin Cumar Libaax oo reer Aw-Xasan ahaa, iyo Macallin Abuukar Mocow oo isna reer Aw-Xasan ahaa.

Kaddib Abshir waxa uu u gudbay tacliinta inteeda kale, wuxuuna ku xirmay casharadii iyo duruustii ka socon jirtay masaajidada iyo mowlacyada iyo golayaashii diineed ee kuwada firirsanaa geyiga Soomaaliyeed oo dhan, sida caadada u ahayd gaar ahaan golooyinkii ku yiil Mustaxiil iyo hareeraheeda, wuxuuna ugu horreyntii akhristay fiqiga Shaaficiga ee ka jiray deegaanka Geeska Afrika. Abshir Nuur Faarax waxuu u gudbay oo u guuray magaaladda Gaalkacyo sanadku markuu ahaa 1962kii, waxaana meeshaa dagganaa reerkii uu ka dhashay, halkaana waxa uu ku sugnaa muddo sanad ah, waxaa uuna ku iibin jiray dukaan, ka dib waxaa uu u soo wareegay magaalo madaxda dalka Soomaaliya Muqdisho, horraantii 1964kii. Halkaana waxaa uu ka bilaabay shaqada beec-mushtarka ama tijaarada xurta ah, gaar ahaan beeca hoose. Bilowgi 1967kii wuxuu ku xirmay casharradii uu bixin jiray Shiikh Nuuraddiin Cali Axmed oo u dhashay beesha Cali Saleebaan ee qabiilka Majeerteen, oo uu ka mid noqday Shiikha xertiisa, waxaana uu ka bartay tafsiirka Qur'aanka kariimka ah iyo cilmi towxiidka oo uu ku caan ahaa shiikha inuu kala hufo waxa dhabta ah iyo wixii qiiq diineed ah.

Waxaa kale uu Abshir wax ka bartay Shiikh Cabdiraxmaan Shiikh Xuseen Foolow oo reer Aw-Xasan ahaa, isla sanadkaa wuxuu billaabay nolol bulsheed ee cusub, kadib markii uu guursaday.
Abshir Nuur Faarax wuxuu caan ku yahay loona yaqaannaa magaca Abshir-Bacadle, taana waxay ku timid isagoo wax ku iibin jiray suuqii Bacadlaha Xamar ee ku yiil Ceelgaabta ama degmada Xamar Weyne.

Dhanka suugaanta Abshir wuxuu ka soo jeedaa reer ku caan ahaa suugaanta, gaar ahaan gabayada, sidaa darteed layaab malaha in uu Abshir door weyn ka qaato sugaanta. Waxaana Ilaahay hibo u siiyayna in maansada oo uu ku caan noqday. Abshir gabayga wuxuu billaabay dhallinyaranimadiisii oo uu ahaa mid isku daya curinta gabayga. Si kastaba ha ahaatee waxaa Abshir gabaygii ugu horreeyay oo la oran karo waa mid dhaxalgal ah uu curiyay sanadkii 1975kii markuu u dhashay wiilkii ugu horreeyay uuna ku samiyay shiikhiisii Nuuraddiin Cali Axmed, balse taa macneheedu ma aha in Abshir gabay uu tiriyaa uu yahay midka aannu soo sheegnay oo loogu magac daray Dardaaran inuu kii ugu horreeyay yahay. Waxaase jira gabayo kale ee uu ka tirin jiray munaasabado kala duwan, gaar ahaan xilligii uu dhalinyarada ahaa iyo wixii ka horreeyay, laakiin gabayadaa ma aysan noqon kuwo hana qaada.

Mar la weydiiyey Abshir habka uu ku curiyo gabayada waxa uu yiri, “Aniga gabayga ma heli ogi, laashinna ma ihi, gabayada curintoodana dhib ayaan kala kulmaa, waxaana laga yaabaa inaan maanso aan is leeyahay nabadda ayay wax ka tareysaa ama diinta ayay u gargaareysaa inaan habeeno u soo jeedo.”

Abshir wuxuu aad ula dhacsan yahay gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Qammaan Bulxan, Salaan Carrabey iyo Cabdullaahi Suldaan Timacadde.

Xilliyadii danbase waxaa raad wayn ku reebay gabayadii uu curin jiray Cali Xuseen Xirsi, Cabdullaahi Macallin Dhoodaan iyo Cabdulle Raage Taraawiil. Haddaan jalleecno xagga nolol bulshadeedka Abshir wuxuu guursaday dumar badan wuxuuna Ilaahay siiyay caruur badan oo isugu jira rag iyo dumarba.

Diiwaankan

Marka hore diiwaan waa erey Faarisi asalkiisu yahay, ka dibna Caraboobay, waxaana loola jeedi jiray meesha lagu qoro magacyada askarta iyo kuwa dawladda mishaarka (lacagta) siiso.

Waxaa kaloo diiwaan loo yiqiiney meesha iyo kitaabka lagu kulmiyay gabay qof gabyaa leeyahay.

Waxay ahaataba diiwaankan waxaannu ku soo uruurinnay gabayadii iyo maansooyinkii uu tiriyey abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle oo isugu jira gabay, guurow, deeraar, salsal iyo shirib.

Run ahaantiina uruurinta diiwaankan dhibaato badan ayaannu kala kulannay, haba u badnaatee muddada dheer ee aan ku howlanaa, iyo safarradii aan u galay awgiis.

Gabayada Abshir ma aha mid si fudud loo heli karo, maxaa yeelay meelo badan oo kala duwan ayey ku kala firirsan yihiin, marka aad is tiraahdidna waad ka guul gaartay arrinka uruurinta waxaad arkeysaa in ay soo baxayaan kuwo kale, taana waxaa ugu wacan abwaanka oo wali aan ka suulin in uu soo saaro wax ka mid ah himmadiisa suugaaneed, sida uu isaguba hore u yiri:

Deeleyda maansada markaan demen ka reystaaba
Wax uun bey damqiya oo qalbigu ila dikaamaaya
Markaasaan dib ugu soo noqdaa yaanba lay dirane.

Abshir ma ahayn nin ay u qoran yihiin gabayada uu mariyay, balse waxaa dhacday in qaarkood uu ka lumeen oo aanu hadda wada xusuusneyn, taana waxay inagu qasabtay inaan dabagal dheer u sameyno wada helidda gabayada annagoo adeegsanayna xusuusteenna iyo wixii aan garaneyney maansadii uu Abshir marin jiray, iyo annagoo dib ugu noqonney cajaladihii ay gabayada ku duubnaayeen, maxaa yeelay Abshir waxaa caado u ahayd in haddii uu curiyo gabay inuu ku qabto cajalad si ay dad badan u gaarto, sababtoo ah gabayada waxay xooggooda ka hadlayaan arrimo quseeya diinta iyo kuwa faa'iido u leh bulshada, sidaa darteed gabayga uu mariyo Abshir waxaa uu u arkayay in uu yahay cashar diini ah oo loo soo jeediyay hab wacdi ah.

Laakiinse waxaa dhacday markii uu dalkii burburay oo ay ummaddii kala firirtay in cajaladihii badankood ay noqdeen kuwo luma, sida ay u lumeen waxyaabo badan oo la xiriirey aqoonta iyo tacliinta dalkeena.

Si aan u wada helno gabayada Abshir waxay kaloo nagu kalliftay in aan u noqonno wixii wax ka qoray gabayadiisa, kuwaa oo isugu jira buugaag iyo wargeysyo, tusaale ahaan shan gabay oo la xiriira nabadda iyo burburkii ku dhacay dalka waxaannu ka helnay buugga uu qoray Shiikh Jaamac Cumar Ciise oo la magac baxay Qaranjabkii Soomaliya, sidoo kale waxaan gabayo badan ka helnay qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka Soomaliya, gaar ahaan kuwa ka soo baxa magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Xamar sida wargeyska Xog-Ogaal, wargeyska Qaran iyo wargeyska Ayaamaha.

Waxaa iyadana xusid muddan in idaacadaha afka Soomaaliga ku baxa aannu ka qabannay gabayada qaarkood sida idaacadda Biibiisii Landhan, idaacadda Codka Nabadda ee Itoobiya iyo kuwa ku yaalla magaalada Muqdisho.

Laakiin waxaa ammaanadu ay ku jirtaa inaan isagana sheegno gabayo aanu ka helnay walaalkay Cabdikariin Cismaan Cibaar oo in badan dadaal weyn ku bixiyey iskuna dayey inuu ururiyo qaar ka mid ah gabayada abwaan Abshir, muddana isku howlay arintaa.

Dhab ahaantii howsha uruurinta diiwaankaan iyo isku dubbaridkiisa waxay igu qaadatay muddo badan, sideedana arrinkaa waxay igu dhalatay bishii Agoosto 1995kii kaddib markii aan la yeeshay Abshir Nuur Faarax kulan suugaaneed muddadii aan ku jiray baaridda iyo bandhigidda dhaqanka iyo taariikhda ilbaxnimada Soomaaliyeed, kuwaas oo aalaaba aan la yeelannay abwaanno iyo aqoon yahanno ku xeeldheer taariikhda iyo xadaaradda dalkeenna.

Waxay ahaataba kulankii Abshir waxaa iiga soo baxay in ay muhiim tahay in la urursho maansada xoogga leh ee uu curiyey Abshir, taas oo wax ka tari doonta caddeynta arrimo badan oo diini ah, iyo nabadeynta dadkeenna, sidoo kale waxay wax u tari doontaa kuwa baara dhaqanka iyo hiddaha dadkeena sida sida taariikhyahano, suugaanyahanno iyo wixii la maqaama.

Hawsha Diiwaanka

Run ahaantii howsha laga qabtey diiwaanka gabayadii Abshir Nuur Faarax Abshir-Bacadle ma aheyn mid fudud waxaana la oron karaa wixii loo baahnaa in laga qabto diiwaan badankeed waa laga qabtay.
Waxyaalaha lagama maarmaanka ahaa ee loo baahnaa in lagu bilo ama lagu qurxiyo diiwaanka waxaa ka mid ahaan lahaa:

Nooca iyo Astaamaha Gabayada Bacadle

Ugu horreyntii waxaa haboon inaannu caddeyno masaadirta ama ilaha wax laga soo xigto iyo meelaha ay ku tiirsan tahay suugaanta uu Bacadle mariyo, qof kasta oo si dabacsan u aqriya ama u jalleeca maansada Abshir waxaa u caddaanaysa in uu gabyaagu ka shidaal qaato dhowr meelood marka uu rabo inuu soo bandhigo gabay ama maanso kalaba, sida:

  1. Qur'aanka Kariimka. Waxaa si aad u xoog badan ku arkeysaa gabayada Abshir Bacadle leeyahay inay ku badan yihiin kuwo uu ku cabbirayo aayado Qur'aan ah, micnaha aayadahaas iyo waxa ay xanbaarsan yihiin oo xikmad ahba, suugaantiisa uu Ilaahay hibada u siiyey, gaar ahaan marka uu soo bandhigayo arrimaha la xiriira caqiidada waxa uu tusaaleeyaa tusaale soo maray rusushii Ilaahey iyo ummadahoodii, sidoo kale wuxuu tusaale ahaan u soo qaataa noloshii Nabigeenna Muxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene) iyo asxaabtiisa sida ay caqiidada Islaamka u barax tireen. Arrintaana waxay aad innoogu caddaynaysaa marka aynu eegno gabayada ay ka mid yihiin Ma Ilaahay baan eed ka galay, Booraan Ibliisa, Doqonki Gaabnaaye, Dahabka Maaroobay iyo wixi la mid ah.
  2. Axaadiista Rasuulka iyo siirada suubban. Sidoo kale gabayada uu Abshir Bacadle mariyey waxaa aad ugu badnayd, inuu soo daliishado axaadiista Nabigeena (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) ee saxiixa ah, iyo siiradiisii sharafta iyo udgoonka badan arrintaana waa mid aad uga muuqato suugaanta Bacadle, waxaana tusaale innooga filan gabayga la yiraahdo Yaad innagu hallayn? iyo wixi la mid ah.
  3. Waaqaca, bii'adda iyo dhacdooyinka ka jira mar walba. In badan oo suugaanta Bacadle ka mid ah waxaa ay ku tiirsan tahay oo uu ka soo qaataa waaqaca uu ku nool yahay iyo bii'ada uu joogay sida ay tahay, taasoo si xoog leh ugu muuqata gabayadiisa, taana waxaan oran karnaa gabyaagu mar walba wuxuu ka tarjumayey heerka iyo xaaladda ay maraysay daruufaha ku wareegsan.

Xaqiiqdii waxaa aad ugu cad gabayada in ay heerar soo mareen, haddii aannu si fiican ugu fiirsanno guud ahaan Bacadle suugaanta uu tiriyey Bacadle oo isugu jirta gabay, guurow, geeraar, salsal iyo shirib, waxaa si caddaan ah innoogu muuqanayo in gabyaagu uu soo maray marxalado kala geddisan oo aan islahayn, ha ahaadeen kuwo dhaqaaleed, ama siyaasadeed, waxaa durbadiiba aad kuugu muuqanayo daruufaha iyo marxaladaha aan isku midka ahayn ee kala duwan oo soo food saartay gabyaaga.

Tusaale ahaan, gabayada uu ku muujinayo kuna caddaynayo towxiidka iyo la dagaalanka shirkiga iyo khuraafaadka waa marxalad hore oo ka mid ah noloshii gabyaaga, waxaana dhihi karnaa waa waqtiyadii ay gashay dacwadii uu hormoodka ka ahaa Abuu Maxamed Shiikh Nuuraddiin Cali Axmed (Shiikh Nuur Cali Colow Alla ha u naxariistee). Waxayna ahayd dabayaaqadii lixdamaadkii ilaa iyo toddobaatameeyadii dhammaadkeeda.

Marxaladda xigtay waxaannu oron karnaa waa marxaladii uu soo dhex galay gabyaagu saxwada iyo kacdoonkii Islaamka ee u badnaa dhallinyaradii wax baratay, uuna si toos ah ugu soo xirmay dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah oo ay majaraha u hayeen kooxaha Islaamiga ee aad u xoogaystay sannadadii toddobaatamaadkii ilaa siddeetamaadkii. Marka aad fiiriso gabayada ka hadlaya fidinta dacwada Islaamka, guurka, xijaabka, qaadka, xarigga iyo xabisidda ducaadda, cadowga Islaamka iyo hagardaamooyinkooda iyo wix la mid ah, waxaa kuu caddaaneysa marxaladaas.

Marxaladda saddexaad waxay tahay burburkii qaranka Soomaaliyeed oo uu goobjoog ka ahaa abwaanku, si waynna uga dhiidhiyey kuna muujiyey suugaantiisa nooc kastay tahayba, isagoo adeegsanaya soona bandhigaya malxamad iyo taxane suugaaneed oo taariikheyneysa qayb ka mid ah taariikhdeenna oo muhiim ah. waxayna suugaanta noocaas ah qiimo wayn yeelanaysaa marka aannu ogaanno in suugaanta iyo maansada astaamahaas leh gabyaagu tiriyey, ay noqoto midda ugu tiro iyo tayo badan, ugana baaxadda weyn ilaa iyo hadda ee aannu aragnay oo ka hadlaysa burburka dalka iyo wixii la xiriiray. Suugaanta aannu soo sheegnay waxay qiimo dlieeraad yeelataa marka aannu ogaanno in gabyaagu goob joog ka ahaa waxyaalihii ka dhacay waddanka oo ay ku le'deen dad iyo duunyo, gaar ahaan caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho.

Tusaalooyinka iyo maansada uu ka tiriyey Bacadle qaranjabka ku dhacay Soomaaliya kuma koobnayn inuu inoo soo bandhigo habka iyo sida uu qaranka iyo hantida ummaddu u burburtay oo kaliya, balse wuxuu abwaanku door wayn ka ciyaaray dib-u- heshiisiinta shacabka iyo tilmaan ka bixinta cudurka iyo dhibaatada sidaa u wayn ee ku habsatay dalka iyo dadka.

Suugaanta aanu soo sheegnay ee xanbaarsan talooyinkaa iyo wax tusaaleenta waxuu u soo jeediyey dhammaan qaybaha ay bulshadu ka kooban tahay, gaar ahaan kuwa ay khusayso arrintaa sida aqoonyahanka, culumada, ciidamada, hoggaannada bulshada, gabyaaga iyo dumarka.

Run ahaantii dhibaatadii waddanka ka dhacday kuma koobnayn mid ay u sabab ahaayeen oo kaliya dadka Soomaaliyeed, ee waxaa jiray kuwo ay gacan ku lahaayeen awoodo shisheeye oo ay ugu muhiimsanayd fara galinta shisheeye oo aannu u qaybin karno seddax qaybood:

Arrimahaas aannu soo sheegnay gabyaagu si cad cad oo waafi ah ayuu ugu muujiyey suugaantiisa. Si kastaba ha ahaatee waxaan oron karnaa Abshir waxa uu raacay hannaankii ay ku socon jireen gabayaaga caalamka oo ah inay markastaa ku xiran yihiin bay'ada iyo duruufta ku wareegsan kuna cabbira ra'yigooda sida ay la tahay.

Gabayo badan uu mariyey Abshir waxaad ku arkaysaa inuu ku billaabanayo faan iyo ismuujin, sida dabeecadda gabayaaga Soomaaliyeed qaar ka mid ah, laakiin gabayadiisa arar dheer oo faan ah ma laho oo ulajeeddada gabayga ku illowsiiya, taana waxaan oran karnaa waxaa uu kala mid yahay gabayaagii weynaa ee Ismaaciil Mire oo tixdiisa laheyn arar dheer oo faan ah, hadday lahaatana waxay ahayd labo ama seddex tuduc, gabaygana toos buu u abbaari jiray ulajeeddadiisa.

Abshir Bacadle run ahaantii ma aha nin ka gabay badan gabyaaga Soomaaliyeed ee kale oo ay isku xilliga yihiin, laakiinse tobankii sano ee ugu dambeeyey waxuu muuqday nin gabayadiisa ay hanaqaadeen oo ay bulshadu hadal hayso mar walba, taana waxey iila muuqataa isagoo markastaba la jaanqaadayey hadba xaaladda iyo daruufaha kala duwan ay ummaddu maraysay sidaa darteed gabayadiisa waxey noqdeen kuwo dhaxalgal ah oo madhintaan ah.

Qofka u kuur gala oo si fiican u aqriya gabayada Bacadle waxaa u muuqanaya in uu gadgaddoon badan yahay, oo fikrad mar hore u aamminsanaa aad arkaysid inuu iska baddalay, sidoo kale waxaa kuu muuqanaya in arrimaha qaarkood habka uu u cabbirayo ay yihiin hab aragti gaaban gaar ahaan marka uu ka hadlayo dhacdooyinka siyaasadeed.

Abwaan Abshir Bacadle in kastoo ayna ku jirin gabaydiisa kuwa diradiraala ah oo ummadda isku dira haddana waxaad ku arkaysaa aflagaaddo ku wajahan shakhsiyaadka qaarkood oo uu wax ka sheegayo akhlaaqdooda iyo isirkooda, sida ku cad gabayada S.S.D.F, Ina Cigaal, Guuleed Fansalaq, Cantara Baqash iyo wixi la mid ah.

Gabayada Bacadle waxaa kalood ku arkeysaa caddaalad darro, gaar ahaan marka uu isbarbar dhigayo qabaa'ilka qaarkood iyo marka uu doodsiinayo Suufiyada iyo dadka ka soo horjeeda, asagoo isku qaldayo Suufiyada iyo sixiroolayaalka.

Gabayada Bacadle waxay u baahan yihiin in lagu sameeyo baaritaan weyn si loo dhuuxo murtida iyo suugaanta ay xambaarsan tahay waxeyna mudan yihiin in lagu sameeyo daraasaad akadeemi ah oo hufan.
Ugu danbeentii waxaan ka cudur daaraneynaa wixii khalad ah oo ka yimaada qoraalka buuggaan iyo cabbirka fasiraadda aragtida ay xanbaarsan yihiin gabayada aanu ku soo bandhigney buuggaan.

Maxamed Xuseen Macallin
Muqdisho, Soomaaliya
7 Oktoobar, 2002

Qaybta Koowaad

Diiwaanka Maansooyinkii Abshir Nuur Faarax “Abshir-Bacadle”

Midna Haygu Xanaaqo * Midna Haygu Xushmeeyo

Halhays – Eray Muceed

Dab miyey sureen waa dulli aan xuma ka daaleyne
Dusha aadmigey shaabahaan ficilna duur joogta
Deggani iyo khayr lama tusoo way ka diriraane
Dabciga riibigey leeyihiin mana dareemaane
Abshir Bacadle

Dalka Afweyne inuu leeyahay qalin ku duugeene
Siyaadow na daadihidi bey dib ugu xiiseene
Dirkoodaan malaha dowladnimo daa'inba u qorine
Abshir Bacadle

Ka daroo dibi dhalbaan aragnay iyo furuqyo daacuune
Nin walbow walaalkaa dad qala how durbaan tumine
Yaan laydin dabargoyn qabiil dowlad noqon waaye!
Abshir Bacadle

Ayax bililiqoo nagu degoo diirtay beledkeena
Dagaalaan dhammaan waxaa ka roon dowlad jaa'irahe
Duqii doona ducana ugu dara waadna dilateene
Ama dowladnimo muujiyoo qurunka daaweeya
Kala doorta labadaasi waa kama danbeystiiye
Abshir Bacadle

Duruufihii na soo marey qalbiga waa damqinayaane
Allow yaa inoo diga markaan duqa ku yaaceyney
Allow yaa inoo diga markaan deriska riixeyney
Allow yaa inoo diga markaan dacarta beereyney
Abshir Bacadle

Quruun waliba cudur qaasahoo qaybiyaa jira' e
Soomaali belo loo qoraye qalinka loo saarey
Wax qabiil ka daran jahnamaan qiray aqoonteyda
Qadartaana iga hiilisaye qolo ma sheegteene
Bacadle

Sagaashan iyo dhowr sano haddaan samo ku noolaado
Sakaraatul mood baa ku xigi subax aan dheereyne!
Abshir Bacadle

Ma anaa qabiil doorbidoo qaranka aafeeya
Maqaruurad baan calashadaa qodata beerkeyga
Waa quudka dhigo ruux Muslima hilibki qeyriine
Ilaahayow adigu haygu qaban Qaadir baa tahaye
Abshir Bacadle

Dhacdhacayga iyo khayrku ways dhinac ordaayeene
Inaan dheelli tiray baan u qabay labada dhoomoode
Wali sooma dhigan maamulkay dhagari kaa raacday
Abshir Bacadle

Ilaahayow su'aalaha qabriga aanan sixi waayin
Allow igu sug towxiidka oo Nabigi hay seejin
Siraadkiyo qiyaamana Allow haygu saran seerin.
Abshir Bacadle

Ha dhammaato waligeedna yay dhaqan carruurtaydu
Rabbi baan ku dhaafaye si wacan ha u dhaqaaleeyo
Anna waysu dhiibaye Jannada hayga dhaxal siiyo
Abshir Bacadle

Aadmiyoow garaadaha xumoo garabka kuu saaran
Haddeyan geeri kaa reebi karin ha is go'daadeynin
Abshir Bacadle

Qabyaalad iyo iimaan la'aan qooqay beys helaye
Kumanyaal qariban bay dhaleen qorina heegeysan
Oo qaaxo iyo eydis qabo qaadse ku illaawey
Mar uun bey magaalada qaseen kuna qamaameene
Abshir Bacadle

Gablan tala aduuney maxey galaba heer joogtey
Maxaa laba is gacaleysan jirey bir isla goobaaya
Maxaase laba gantaala isla dhacay gacal walaaloobey
Ala garaangar baa dunida sow lagama yool gaaro
Abshir Bacadle

Saddexleyda gooyoo Xadrada garangarta u meersha
Mar is goda mar gaar-gaarsadoo giirka kor u taaga
Isla gaabiyoo hooriyoo aha ku soo gooya!
Abshir Bacadle

Qof Muslima qabyaalad u diloon ficilyo qawl geysan
Qasadkiyo ujeedaduna tahay lagu qisaasaayo
Qbiilkaa muxuu uga dhashaye qaadir uga yeelay
Qiso murugo iyo yaab lahoo quruna sow maaha
Abshir Bacadle

Allaa mahad lahoo mudan ammaan waana loo magane
Rabbi baa musiibo iyo kheyr maamuloo wada'e
Rabbi baan mid uu kuu qadaro maaro loo heline
Rabbi baan wuxuu maago duul maanacaa jirine
Abshir Bacadle

Aadamiga manida laga khalqaye madaxa taagaaya
Oo maxalka hooyadi sagaal Mowle ku ilaalshey
Mugdigaana lagu quudiyaan maaro loo heline
Abshir Bacadle

God madow inaanu uqodnoon maro ku duuduubno
Oon madaxa ciidda u dhignaa Mowlahay qoraye
Wax ismoode laakiinse waad mala habawdeene
Abshir Bacadle

Mishiinada iswada dhaafayoon magacyo loo haynin
Mirtaan aasnay manidaan qubniyo madagti aan riiqney
Macnawiga qarsoon oo beddeli anigu ma aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qiray kuman malaayiin ah!
Abshir Bacadle

Baddu waa masiiba iyo kheyr meel kuwada yaale
Hadba tii Alle u muujiyaa laga maleystaaye
Marjaankiyo mallaaygiyo nicmada moolka lagu aasay
Maraakiibta iyo doonyahaan kaga macaashnaaye
Imisuu miskiin iyo faqiir Mowle ka arsaaqey
Abshir Bacadle

Mucjisada la yaabka lehe ay muhatay laabtaydu
Xaddiga iyo miisaanka xaraf Qur'aan ah loo miisi
Muggiisiyo culeyskiyo xajmiga anigu ma aqaano
Ilaahayse mahad baan u qiray kuman malaayiina
Abshir Bacadle

Ibraahiim Rabbigey kuma hungeyn hadaladiisiiye
Ducadii hufneyd buu ku helay hibiyo dheeraade
Adduunyada intuu haybsadaan harac ku joognaaye
Aakhirana hoygiisa waa loo hanweyn yahaye
Abshir Bacadle

Mooryaan hubeysani beley noo horkacayaane
Hanti iyo dad hoygey galaan hal uma reebaane
Hambana kama tagaan hadafna ma leh horarka mooyaane
Haddaan laga hortegin wacad Allaad marin habawdeene
Abshir Bacadle

Hooyiyo caruurteed bed qaba odayo haasaawa
Hantidiyo naftoon loo baqeyn hadada mooyaane
Iyo hodantinimo waa markii nabad la haystaaye
Hubka inaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeede
Abshir Bacadle

Ninna horumar kuma gaari karo hilib walaalkiise
Waxaadse haybad leedahay intaad garabka haysaaye
Waa hibo Ilaahey midnimo lagu heshiiyaaye
Hubka inaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeeda
Abshir Bacadle

Allow roobka naga haqabtiroo dhibicda noo hoori
Allow beertu hilantoo miraha hoosta laga tuunsho
Ilaahow abaaraha na helay roobaan ku hilmaanno
Hana u yeelin hiirtaanyo iyo aafo na haleesha.
Abshir Bacadle

Roob Doon (Gabayga 1aad)

Waa maanso roob doon, Alle bari iyo duco isugu jirta. Wuxuu abwaanka Eebbe ka baryayaa inuu roob iyo raxmaad siiyo san-ku-neefle oo dhan ku naalloodo. Roob ay dhirtu ku wada magoosho oo xooluhu ka durduurtan, dallagga beeruhuna ka dhergo, ayuu abwaanka Eebbe ka tuugay. Maansadu waxay ku billaabmaysa sidan:

Ilaahoow ilaah xaqa ma jiro adiga mooyaane
Udgoonoow Rasuulkiina waa imaamu towxiide
Anaguna addoomaanu nahay kuu itaal darane
Ammuuraha adkaadoo qalbiga ololiyoo shiila
Axad kale ma aadnee adigaan kula abbaarnaaye
Arkaan iyo Shurruud baan ducada ka ambaqaadnaaye
Istiqbaalka Xaramkaan wejiga ku itijaahnaaye
Awaamiirtii Nabi Muxamed baan ku Alle tuugnaaye
Istiftaaxa ducadaana xamdiga ka ambaqaadnaaye
Salligii udgoonow Nabigaan ku ikhtitaamnaaye
Afkana waxaan ka dhowrnaa xaaraam aan ogsoonahaye
Aqbalkiyo ijaabaduna waa idin Ilaaheeye
Ahlu Dariiqo kuma uur samiyo Aw-Fulaanaduye
Ikhlaas barax la' mooyee Shirkigu aayatiin ma lehe
Ishaay mirig lahoo waa ikhlaas Eebbow ducadaynu
Mana aaminsanin axad kaloo oonka naga gooyo
Calaacala addoon baan godnaa oo itaal darane;
Aanaa uleylkoon kacniyo thuluthul aakhiirka
Ilxaax duciyo awraadsigiyo oohintiyo taaha
Awqaada saxarkaan baryada ka istafiidnaaye
Ismullaahi cadamkaan kurbada uga adkaanaaye
Udgoonoow Rasuulkaan salligi ku ikhtitaamnaaye
Isha waaga waxaan ugu sinaa duciyo aamiine
Goortaan ilmada seyrinaad naga ajiibtaaye
Awood ma lihin iyo axad kaloon u ashtakoonaaye
Abaartiyo colaadiinna waa nagu adkaadeene
Haddii geel itaal dhigey riyana xaabki ka idlaadey
Oo idihii duufeen lo'ina oon u le'anayso
Afartiba haddey guran yihiin baladna aafoowdey
Afkaana aaney la'aadey ilmuhu hooyo ibaheeda
Ugaarta iyo cowshina mar hore Aa-Ke lagu laayay
Oo aanan aqoon bad u laheyn Eebbahay magane
Oo beertu oomane tahoo Kalli abaaroobay
Afkana aanay la aadayn ilmuhu hooyo ibaheeda
Oo ay askaax wada yihiin waa Alloow sahale
Idaacadaha gaaladu warkey ku andacoodaane
Afka nooma saaraan nimcaday ururinaayaane
Waa sidaan astaahil u lahayn iyo abaalkeene
Ictiraafnay Eebbow dambigii aafadaan dhigaye
Addoonka u martiya boqorku waa ka istixyoodaaye
Alloow naga ajiib ducada waa ooggi waabariye
Mar haddaan ilxaax kugu baryoon Eebbow ku cataabey
Ixsaankiyo fadligaan kaa bartaan Eebbow kaa sugiye
Sidii la arki jirey waa inaan ka istafiidnaaye
Aqbal suge ilmirigleynayoo ooman baan ahaye
Arxamu-raaximiinow kor baan eegayaa weliye
Ixtaajadiyo amalkaan qabana waad ogsoon tahaye
Alloow dhibicda naga oontir waa seban abaaraade
Alloow wabigu ood-goosto oo aafo ha u yeelin
Ilaahow orgigu yeero oo sucu udgoonaado
Alloow roobaan waayahaan la arag oo nakala ooda
Indho u roon Illaahoow na sii ubaxya reexaan leh
Alloow maqashu orad iyo durduro reerka ku ekeyso
Ilaahow balligu aafta dhigoo ubadku tuurtuuro
Alloow ceeshii laga oomanaa xaafku ilo duugo
Alloow saco insaarixinayiyo waylo u ordaaya
Alloow geel ilwaad quruxsanoo kuray u heesaayo
Alloow ari intuu ubax dhex maray udug na saameeyo
Afka sarena geedaha ka jaroo alalax leynaaya
Isha raaxadeed iyo Alloow waa nimca adduune
Ilaahow ergaan kuugu ahay Dhibicaan aafoobin
Alloow beertu jiho ay tahaba iba mataanayso
Ubax iyo sabuul iyo bakaar ha isu soo eegto.
Alloow dibada iib loogu dhigo sannadka soo aadan
Alloow gee abaariyo colkana Banii Israa'iilka
Islaamkiyo Ilaahow ka dhowr Ahalu Towxiidka
Ilaahayow islaax iyo heshiis aaran lagu raago
Iyo dawladaan qolo aheyn aayaddana raacda
Akhristayaalow aamiin i dhaha waa agaasimaye.

Shirib:
Intaa ka dib wuxuu Abshir Bacadle gabaygiisan ku soo gunaanaday saddex beyd oo shirib ah, waana sidatan:

Colya abaarya eed qabiil abuurkii Yuu.Es.Sii ahaa
Abaartii dadka wow urtee Ilaahoow aaran kaa udgoon
Abaarta waa astaahilnaa Ixsaanaan Eebbow kaa rabnaa.

Aanaa uleyl: Saqda dhexe ee habeenkii
Thuluthul Aakhirka: Qeybta danbe ee habeenkii
Ilxaax: Baryo ku celcelin, aad u alia tuugid
Saxarkaan: Waqtiga suxuurta, hiraaboodka
Duufeen: Cudur idaha ku dhaca oo duuf la yiraahdo
Kalli: Waa far ama gacan laga soo bixiyo wabiga si loogu waraabiyo beeraha
Ib: Waa naaska meesha ama isha caanaha ka soo baxaan.
Askaax: Wixii daadsan tabar dari awgeed
Maqal: Waxaraha iyo neylaha yaryar
Aafta: Buux dhaafo
Xaaf: Waa qashinka biyaha soo qaado
Insaarix: Araasin, isku soo ordin.
Ilwaad: Qurux
Alalax: Waa ariga markuu aad u dhargo socod wanaagiisa
Yuu.Es.Sii: Ururka USC.

Dardaaran

Gabaygaan waxaa uu tiriyey gabayaagu markii wiilkii ugu horreeyey uu u dhashay sannadkii 1975kii, wuxuuna ku muujinayaa dardaaran uu u jeedinayo wiilkiisa Nuuraddiin. Maansadu waxay leedahay sidan;

Maandhow adduunyadda haddii Eebbe kugu daayo
Ikhtilaafku waa badanyahoo waad ogsoon tahaye.
Ilaahaaga baro wiilkayaw Aakhiraa darane
Abaadiisha iyo Qurunkayaan lagula soo aadin
Sidii reer adoogey qabrida how insaarixinin
Ibraahim ku dayo waa Rasuul Eebbe soo diraye
Agaskiyo ha cunin wiilkayoow ari qabuureedka
Maandhaw aqribadaadu waa Ehelu Tawxiidka
Ilaahaaga mooyee cid kale haw abaal dhiganin.
Maandhaw adduunyada haddii iniq laguu dhiibo.
Maandhaw bakhiil uray ha noqon hana israafyeelin
Aqwamkaas ku soco qaadirkaa kaa abaal marine.
Awliyada goortay baryaan iyo awowgooda
Uf dhahoo albaabkana ka xiro bidixna haw eegin
Kuna adkow asleynkiyo sunnaha amar cad weeyaane.

Gabyaaga oo iska dhigaya wiilkiisa wuxuu yiri:

Aabbow adduunyada haddii Eebbe igu daayo
Amarkaaga waan yeelayaa idan Ilaaheye
Abaadiisha iyo qurunka waan Oomina hayaaye
Inshaa Allaahu wey oranayaan waaba odaygiiye
Aabbihii ka daran dhaaxa waa ku adimaayaane
Aday reer adoogaa qabrida ku ag wareegaane
Aqalkaan ku koray baadilkaa laga ilaalshaaye
Abaweynku Tawxiidka wey igu adkeeyeene.

Xijaabka

Markii waddanka Soomaaliya uu ku faafay xijaabka dumarka oo waafaqsan Shareecadda Islaamka sida ay fartey ayay dad badani la yaabeen taasoo keentay in dumarkii xijaabkaas xirnaa la aflagaaddeeyo, marar badana la tuuryeeyo, xukuumadiina ay xirxirtay hablahaas. Abwaanka isagoo caddaynaya in xijaabkaani yahay kii ay diinta Islaamka fartay ayuu guurowgaani tiriyey. Nasiib darro dawladddii waagaas jirtay waxay gabdhahaas xijaabnaa saartay culays badan, qaar badan oo ka mid ahaaana xabsiga ayaa loo taxaabay iyadoo aan loo cuskan xukun sharci oo caddaalad ku fadhiyey. Abwaanku isagoo arrinta si fiican u bidhaaminaya oo ka dhiidhiyey xaqdarradaas, ayuu maansadan curiyey:

Aqli ba'ay aqoon gubatay iyo talo agoontowdey
Awooddeeda inaad sheegateen weydin aragnaaye
Asturkiyo xijaabkii haddii eedi nagu raacday
Allahaan u eedawnay baa noo abaal gudiye
Ilaahay Axsaab wuxuu ku yiri yaa inkiri doona
Afkana kuma dhammeystiri karoo waan ogsoonahaye
Inyar oo ku aad-aadan baan soo ag dhigayaaye
Ilaahey markuu Suubbanaha amarka siinaayey
Nabiyow aswaajtiyo gabdhaha adiga kuu jooga
Iyo kuwa Islaamkaa kalee amarka kaa qaata
Asturkiyo Jalaabiibta waa inaad adkeysiin dheh
Sidaasaa adniyo awlo ahoo lagu ogaadaaye
Amnigana sidaasaa ku roon waadna aragtiine
Ardaalkuba macaasida markuu dumar ugaarsaayo
Middoodii asturan kuma dhacoo waa ka orodyaaye
Afgaduudda iyo caasigiyo ayda qurunleeya
Middoodii irdaha taagan buu ku istareexaaye
Waxba gabaygu yuu ila anbane waxaan ku soo ooday
Asturkiyo xijaabkii haddii nala ku eedeeyay
Ku adkeysta iimaanka waa aakhiruu sabane
Ayaamihii dajaalkaba sunnaha waa ku aragteene.

Ashtako

Gabaygaan wuxuu abwaanku ku bidhaaminayaa arrin la soo gudboonatay isaga oo jooga dalka Sacuudi Carabiya kaddib markii uu gatay Iqaamo ama warqadda lagu joogo dalkaas si uu ugu noolaado xornimo muddada uu dalkaas joogo. Nasiib darro waxaase u caddaatay muddo kaddib in haddii la xiro ama wax qalad ah uu galo in ninka Kafiilka ama masuulka ka ah uusan soo daba galeyn sidaana lagu masaafirinayo (tarxiilayo). Iqaamaddii uu tobanka kun oo Riyaal Sacuudi ahna ka bixiyay aynan waxba u tareyn. Abwaanku maansadan oo cabasho iyo ashtako ah ayuu markaas tiriyey, wuxuuna yiri:

Ilaahaw ilaah xaqi ma jiro adiga mooyaane
Addoonimada taydaana waa kugu adeecaaye
Awliyo ma tuugee adaan kugu ekaystaaye
Afka waxaan ka sheegtaana waad iga ajiibtaaye
Ashtakaan kasoo qoray Rabbiyow Reer Amiir Fahade;
Ilaahayaw Iqaamooyin bay nagu ijbaareene
Afarteeda baal toban kun baa nalaga iibshaaye
Markey naga idlaataana waa aynigoo kale e
Ilaahayaw Kafiil aadaney nagu ikraaheene
Markaasuu addoonsaday nimaan iib ku soo galine
Waxaad sannad ku oofawday buu kaa inkirayaaye
Afkiisuu dhunkanayaa midkaad ku ashtakeysaaye
Akhii iyo akhuuy baa micnubu ku intahoodaaye
Baabuur bir lagu ooday bay nagu albaabaane
Markaasay abaar iyo colaad nagu agtuuraane
Goortaan ayaan soo jirnaa olol nadiir shaaye
Markaasaan amaah qaadanaa tikidka Eerleyne
Halkaad tiri nafluhu wow egyahay Ahalu Tawxiidku
Ashahaadadii waxaa badalay haati iqaamada e
Ummul Quriyo Xaramkay Rabbiyow naga ugaartaane
Argaggixiso weeyaan Rabbiyow naga awood roone
Aadaankiyo kheyrki bay naga irdheeyeene
Ishay nagu hayaan meelkastoon ununu feynaaye
Markaan irida dhaafnay Najdada nagu ugaartaane
Aswadka iyo midabkii Rabbiyow nalaku eedeeye
Afkana nooma saaraan nicmada Eebbe soo qubaye
Ilaahayaw Ameeriikigay dhab u ikraamaane
Markey na eryayaan gaalku waa ku istireexaaye
Indha shimiqdu way nagu qoslaan eeyda qalataaye
Iyaguna ma'aadaane waa ka istixyoodaane
Ilaahayaw askarigii na baday Carab inaan aadno
Iyo kuwa xummaha soo unkoo nala ku aaneeyay
Iyo kuwaan ajnabi baa tihiin nagu ikraahaaya
Saddexdaba abaalkooda mari how ixsaan faline
Oo noo irmaance dhulkaa naga aqsaysnaaye!

Amiirrada Khaliijka

Maansadan wuxuu abwaanku tiriyey sannadkii 1992, xilligaas oo ay dalka Soomaaliya ku habsatay abaar iyo colaad aad u xun taaso keentay inay dad badan u dhinteen gaajo, macaluul, duumo, rafaad iyo darxumo. Abwaanku wuxuu dawladaha Khaliijka ka quud-darraynaya inay walaalahooda tabaalaysan u soo diraan gurmad degdeg ah. Nasiib darro arrintaas ma dhicin, waxay noqotay sida ay maahmaahda Soomaalidu tilmaanto oo kale, dhedo roob noqon weyday. Hay'adihii kaalmada iyo gurmadka soo diray waxay ahaayeen hay'ado aan ka iman dalalka Muslinka oo aan Soomaalida la wadaagin dhaqan iyo diin midnada.

Hay'adahaas kaalmadii ay bixiyeen mahad iyo gallad ayey mudan yihiin. Abwaanku isagoo arrintaas aad ugu dhaliilsan gaar ahaan dawladaha Khaliijka ayuu markaas maansadan tiriyey:

Aasaaska gabaygoon murtida ka anba qaadaayo
Ilaa dulucda aan ku ebyayoon ku intihaynaayo
Astaamaha waxaan kaga dhigaa ereyo waaweeyne
Af-Soomaali hanaqaaday baan ku isticmaalaaye
Ujeeddada si loo wada fahmaan wax u iraahdaaye
Abaartiyo colaadii markii nala ku aafeeyay
Oo Carabi naga aamustoo noo arxamiweyday
Allay diliye Suudaani waa inala ooyeene
Ninase waxaan awoodii ahayn laguma eedeeyo
Ajnabi ha iga dhihin Yamani waa eheladeeniiye

Iimaan Yaxyoo miiranbay ila ahaayeene
Isagaa wuxuu urursan jiray Ahalu Tawxiidka
Amiirada Khaliijkow waxaan idiin ogeysiiyay
Abaartiyo colaadiyo faqrigu ebed ma waaraane
Imtixaanka nagu dhacayna waa xugun Ilaahaye
Amnigiyo nicmadu meel un bey ku intihoodaane
Alle wuxuu idiin dhiibayoo idinku eegaayay
Rabbi nimuu Islaamku arsuqoo taqi ah mooyaane
Inoo diide gaaladana waad u ogolaateene
Ay.Sii.Aar.Sii xeryahay oodatiyo ubadka loo dhibay
Ameerikaanka nagu soo dagiyo Banuu Israa'iilka
Amiirada Khaliijkaa ina baday ma oggolaaneene
Ayaamaha nasoo marayna waa lama ilaawaane.

Ayaamihii Madoobaa

Gabaygaan soo socda waxaa uu mariyey abwaanka bishii Janaayo 1997kii, ka dib markii ay soo food saartey daruufo aad u adag oo xagga dhaqaalaha ah oo ay u weheliyeen qax iyo dhibaatooyin kalaba, arrinkaana waxay ku khasabtay inuu isku dayo sidii uu uga bixi lahaa xaaladaas qaraar sidaa darteed si uu beecii iyo dhaqdhaaqii ganacsiga ahaa ee lagu yiqiiney u sii wado ayuu wuxuu waydiistay lacag dayn ah Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Maxamed Amiin Shiikh Xuseen, arrintaana si fudud ayey ugu fuliyeen oo waa ka helay deyntii muraadkiisiina waa uu fulay. Dayntii si sahlan ayuu u gudey arintaa isaga oo xasuusanayo Abshir abaalkii loo galay ayuu gabaygan tiriyey:

Ayaamihii madoobaa markaan gacalka eedowney
Dukaankiina iimoobayoo ila banaaneeyey
Alaab higisa mooyee markii ii xir laga waayey
Afartii bohoodna ay rabaan boqol aroortiiya
Asdiqadeydu waa badan yihiin iise kala roone
Axmed Cali Jimcaaley gartiyo Maxamed Amiine
Abaalkooda Eebbay ka heli idan Ilaaheeye
Anna ubadka waw sheegayaa iga danbeeyaane
Afkuu marey dukaankii haddey ili bannaaneyde
Allaa mahad lahoo iga asturey eraygi quureed!

Amxaariyo Tigree

Gabaygaan waxaa uu abwaanku tiriyey ka dib markii ay ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya iyaga oo ku andacoonaya ama sabab ka dhiganaya in ay ku daba joogaan kooxo xag jira oo dhibaato u gaystey, ciidamadaa soo galey gudaha dalka waxaa ay garab ka haysteen qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed oo aan ku xirneyn degaan iyo qabiil gooni ah. Abwaanka isaga oo kaxun ciidamadaa ku soo qulquley dalka ayuu habaar ku tuurey iyaga iyo wixii ay garab ka helayaan oo Soomaali ah si ay u jabaan.

Ilaahayow ilaah xaqa ma jiro adiga mooyaane
Udcuuninna adigaa ku yiri Ahalu Towxiidka
Isla markaana astajib lakum ugu bishaareeyay
Aayaddaa Qur'aankaa anoo ka anbaqaadaaya
Addoonnimana kuu muujiyoo Ahalu Towxiid ah
Arkaan iyo shuruud baan ducada ku isticmaalaaye
Awaamiirti Nabi Muxamad baan ku Alle tuugaaye
Istiqbaalka Xaramkaan wajiga ku itijaahaaye
Calaacalo adoon baan Rabbigay la hor istaagaaye
Istiftaaxa ducadaan xamdiga ka anbaqaadaaye
Udgoonow Rasuulkaan salligi ku ikhtitaamaaye
Aanaa u laylkoon kiciyo thuluthul aakhiirka
Ilxaax iyo tigraar wada socdaan ku Alla tuugnaaye
Owqaadda saxarkaan baryada ka istafiidnaaye
Ismullaahi cadamkaan kurbada uga adkaanaaye
Ikhlaas barax la' mooyee shirkigu aayatiin malahe
Af iyo uurba magacyada Allaan ku adadkeeyaaye
Alerjig baan ka qaadaa baryada ow fulaanada'e
Innaba waxaan ka dhowraa qalbiga magac addoomeede
Isha waaga waxaan ugu sinaa duciyo aamiine
Mar haddaan allaylkii kacoo Eebbow ku cataabo
Ama aan ilmada sayriyoon oohin la hinraago
Afka waxaan ka sheegtaad Rabbiyow iga ajiibtaaye;
Arxamu raaximiinow kor baan eegayaa waliye
Ishay mirigle khoof iyo rajaan uurka ku hayaaye
Ixtaajadiyo amalkaan qabana waad ogsoon tahaye
Addoonka u martiya boqorku waa ka istixyoodaaye
Afka waxaan ka sheegiyo waxaan uurka ku hayaaba
Meeshaan ka oon qabo Rabbiyow waad ogsoon tahaye
Allow iga ajiib ducada waa ooggi waa bariye
Umuur ii qarsoon baa jirtee adigu ii oofi
Aqbal iyo ijaabana isii kuuma uur xumiye
Ilaahayow Amxaariyo Tigriyo eyda daba joogta
Iyo kuwaan qalbiga ka oggoloo ku istireexaaya
Afartaba abaalkooda mari how ixsaan faline
Arsil calayhim Eeebbow kufriga dayran Abaabiila
Jundina ku ayid aan cidi ogayn Ahalu Towxiidka
Isticmaarka Xabashiini waa oday ka soo gaare
Abrihiyo Abaasiini bay ehel wadaagaane
Asxaabul fiilkii waxay laynayaan Ahalu Towxiide
Awoodna malihin iyo axad kaloon u ashtakoonaaye
Arsil calayhim Eebbow kufriga dayran abaabiila
Jundina ku ayid aan cidi ogeyn Ahalu Towxiidka
Ummad jecel Amxaariyo Tigriyo Bani Israa'iilka
Asal raacna ceebeeya iyo Ahlu Towxiidka
Islaannimana sheeganahayoo ku andacoonaaya
Amakaagayeey maxaan iraa waa ammuur culuse
Ameeriikiyo waxaa khataley Yurubka aafoobey
Afrikada bareyna u rabaan Banii Israa'iilka
Ahlu dariiqaduna waa ismoog kama irdhoobaane!

SHIRIB

Ummaddii Itixaad nacayb Amxaaro may u ayideen
Amxaar rab Itixaad necbow Ilaahay kaaga aalimaa
Abidkay Itixaad nacayb Amxaaro u addeecimaa
Amxaaro Eebbahay ka tuug Al-Itixaadna eedda saar
Af duubya dad la iibsahaa Ilaahey kaaga aalimaa
Anigu Itixaad naceyb Amxaaro u addeecimaah
Ogaannay ilmo Soodaroow amuurtaad soo abaabusheen!

Es.Es.Dhii.Ef

Waxaa uu Abshir Bacadle gabaygan ka tiriyey markii ay isku dhaceen Ururka Al- Itixaad iyo ururka Es.Es.Dhii.Ef bartamihii bishii Juun I992kii, iska hor imaadkaas oo ka dhacay gobollada Waqooyi Bari, maansadaanna waxaa uu gabyaagu ku muujinayaa taageerada uu u hayey ururka Al-Itixaad, yuusan ka tirsanaane, balse waxaa uu gabeygan noqdey mid aano badan ku reebay dad badan oo u arkay inuu Abshir gabeygan ula jeeday qabyaalad, xataa markii uu heshiis dhex marey dadkii is dagaalay ma harin aanadii, waxaase iska cad in ulajeedada gabeygan ay muuqato iyo daruufta laga tiriyey, waayo Abshir waxaa uu hiil iyo gacanba u fidinayaa kooxda Al-Itixaad ee dagaalka ku qabsatey degaankaa iyo qalqalka ay ka sameeyeen goboladaa iyadoo ulajeedkoodu uu ahaa xukun iyo maamul ku yimaada xoog iyo qasab, gabayga hordhiciisana waxaad moodaa in nin kale Abshir gabay ka dalbaayo laakiin fariin ay Al-Itixaad u soo direen iyo warbixintii goobta dagaalka ayuu gabay u badalay. Maansadan iyo kuwa badan oo ka dambeeya waxay tilmaan fiican ka bixinaysaa sida abwaanku uu yahay garmaqaate macangag ah oo aan cidna u aabayeelin tiisa mooyee. Si uu xeeshsiisa u dhaco qabiil dhan ayuu aflagaadda iyo cayda wada gaarsiyaa. Waa arrinta keentay in gabayo badan oo abwaaniin reer Waqooyi u badan kaga dabaakhtamaan (eeg gabaydaa qaybta dambe ku xusan). Maansadu waxay leedahay sidan:

Aw Daahirow hadal yar baan kuu erginayaaye
Arrinkaan ku farayaayi waa lama illaawaane
Abshir Bacadle gaarsii warkaan kugu ammaaneysto
Hana arsilo ileynaa tixdii Ahalu Towxiidka
Awood kale haddii aanu heyn ama itaal waayey
Arjuukum khayran uhaaniikum guul meyna oron waayey
Wadaaddadu awood badanna male eberna maaheyn dhe
Aanaa ulaylkey qirada ku ijrihaadaan dhe
Rabbi bey ilxaaxinahayeen thuluthul aakhir dhe
Ilaahooda mooyee cid kale uma arkooneyn dhe
Ismullaahi cadamkey qabtaan oogta waaberi dhe
Inshaa Allaahu aaggooda cadaw aadimahayaan dhe
Es.Es.Dhii.Ef anafiyo dulmi bay ku itifaaqeen dhe
Axsaab kama duwana sida Hartiga loo abaabuley dhe
Jirri'; aan cidina kala aqoon odayo wiilkiisa
Inta ardooyin laga cuudiyoo diini ka idlaatay
Dhafoorqiiq af ligis iyo rabiic11 eydi daba joogtey
Iimaan murtada1 iyo sarkaal Shuuci ku abaadey
Intaasoo ibliis madax u yahay olole soo qaade
Ahbal Ruushka lagu ababiyay naga adeejeen dhe
Afartii qibluu inaga xiray oogta waaberi dhe
Amxaar laguma deyin taangiguu noo adeegsadey dhe
Adeerkaa wuxuu kala mid yahay amar ku taagleyn dhe
Arrin kalena wuu dheer yahey uunku shubayeen dhe
Awood nala tus laakiin Rabbi baa noo ixsaan falay dhe
Aabigiyo kibirkii shalaa oodda loo rogay dhe
Allaahu akbartii kama dambeyn odayadoodii dhe
Afkaa ciida loo dhigay kuwey ku amranaayeen dhe
Baddii bey abraareen wollee aarankii diday dhe
Asmaa nalaku soo tuuray bey ku andacoodeen dhe
Rabbigaan u eedowney baa noo ixsaan falay dhe
Albaabadii samaduu noo furoo inaga oodnaa dhe
Waxa nalagu eedeynayana wuu ogsoon yahey dhe
Abaal looma gudi karo Rabbigey inase qaamee dhe
Ummad waliba wuxuunbaa Rabbigey ku ibtileeyaa dhe
Axdi laga bixiyo dhagari waa odey ka soo gaar dhe
Rabbi nimuu Islaam ku arsuqoo taqi ah mooyaane
Asalkaa nifaaq kaga jiraa oday Majeerteen dhe
Aqligoodu nuxur ma lehe waa ku andacoodaan dhe
Afka waxey ka sheegtaan qalbiga kuma adkeeyaan dhe
Ka aftahansan aadmiga xaqana kuma ogaadaan dhe
Iqliimkoodi nabadecd shaley belo ka oogeen dhe
Amniga gobolka waxaa diiday waa odayadoodii dhe
Ilmihiina laayey rabiic ka ogolaadeen dhe
Asxarunaaska waxey moodayaan weli Ilaahey dhe
Ifkana wuxuu u neceb yahay Hartiga uur ku maaluhu dhe
Kuwii odoyga saacidi jiruu ugu inkaaraa dhe
Runtii ina Saleebaan Dafley ehel wadaagaan dhe
Iimaanka qeyb ugama helin arax kaneecaad dhe
Arxanna malaha taariikhduyoo waan ogsoonahay dhe
Afkana lagama dhowree runtaa laga abbaaraa dhe
Majeerteen aqribadooda diin kama aqroodaan dhe
Mana aaminsana inuu yaqaan ina adeerkood dhe
Ow-Saalax Towxiidka yaa ku aflagaadeeyay
Sheekh Aadan toban kama aflixin idil Majeerteen dhe
Afguriyoo muftiya iyo ummiyaan alifka loo jiidin
Ardada kala qabtaay bey dheheen odayadoodii dhe
Ogaal li'ina maaheyne waa ku afjigaayeen dhe
Arrinkaasi shiikhii ku noqoy lama illaawaan dhe
Afkana waan ka yara dhowrayaa ereyadiisiiye
Warka uurku taalada leh baan ka istixyoodaaye
Ubbaduu u dhaansadey ilaa xero Ogaadeene
Waana ka aflexeen diinna waa ka istafiideene
Asleyn1 iyo minhaaj iyo Tuxfiyo Aalad uu baray dhe
Absamuhu ka diin roon Hartiga waanad aragtaan dhe
Alley lehe waxaa soo if baxay ereygi Shiikhii dhe
Abuu Maxamed Sheekh Nuuraddiin waa Afjigayeene
Abdulqaadir Nuur Faaraxoo ina adeerkooda
Aqli iyo aqoon iyo taqwana Eebbehey geliyey
In Ugaandha laga tuuro weys ku itifaaqeen dhe
Arrinkaa nin baajiya lawaa idil Majeerteen dhe
Abaallaawayaal kama duwana Banuu Israa'iil dhe
Axdigiyo Ash-hurul xurumka iyo odayadaan deyney
Ixsaankiyo wanaaggii innaba eegi mahayaan dhe
Arbaca aluf1 aqoon sare lahoo ehela doodiiya
Asxarunaaski Abayoonis bey ka afdalaayaan dhe
Allese kama aqbalin weerarkey nagu ekeeyeen dhe
Axsaan iyo wanaag nooma falin Ina-Majeerteene
Bal aan eegno eelkey dhashiyo aramigey reebto.

Ma Ilaahey Baan Eed Ka Galey

Gabaygaan waxaa uu abwaanku ku soo bandhigayaa baryada Alle keligii in loo barax tiro isagoo beegsanaya Qur'aanka kariimka iyo suuradaha xoogga saarey towxiidka iyo in Ilaahey loo kali yeelo cibaadadiisa oo ay ugu horreyso ducada Ilaahey.

Aafada Shirkiga waxaa yaqaan Suuratul Ancaame
Bal Acraaf day waxa Nabi Allahay ood shirkiga saarey
Huud iyo akhwaadkeedu waa ilaha tawxiidka
Indhaha beele Faataxada arag shicir ma aadeene
Ilaahey ninkii aaminoo qaata amarkiisa ha aqriyo
Tanziil3 wuxuu arkana uunka ha u sheego
Ha aamino ilaahiisa iyo aayadaha diinta
Ha u ololo inuu xugun Islaam maalin iman doono
Ha adkeysto aakhiro runtaa la arki doonaaye
Ha eedeeyo caadaduu kufriga unuggi weeyaane
Aabbaan ka soo gaarey iyo odayadii diinta
Intaas oo dhan baa ila qabtoo eheladaydiiya
Afartaa miyaan raacayaa wadarta maan aado
Waa waxay Muqiiriyo1 Ubay ku Alle seegeene
Waa waxay Aqsada' ugu go'een Reer Abii Jahale
Waa wuxuu Ilaahay ku nacay Khaalid1 aabbihiye
Waa waxay al aankaa hayaan odayadeeniiye
Ilaahayow ka saar nimanku waa eheladeeniiye
Ama eber ka yeel kuwa danbay ababinaayaane
Ubad kheyr leh looguma fadhiyo eeggan dabadeede
Ilaahayow axsaankaagi aad aniga ii yeeshay
Afka kuma dhamaystiri karoo waan ogsoonahaye
Marse haddaan addoonkaagi ahood ii Ilaah noqotay
Istiqaatho goortaan damcoon amarka kuu dhiibto
Haddaan Ulil-Casmiga kula baryiyo malag itaal weyn leh
Amaan awliyada soo kacshiyo odayadii diinta
Iridaada iga xiro Shirki baan soo abaabulaye
Hana iga aqbalin waanigaa kaa abaal dhacaye
Jahannamana abid ha iga bixin waan astaahilaye
Bal maxaan addoon kula baryaa amarka yey siiyey!
Aawgood wax igu siina nacay aayadna u waayay
Ma Ilaahey baan eedka galey Anigu maan tuugo
Iqtiraacashadu waa bidcoo waan ogsoonahaye
Allawdaa i deeqdaye Rabbow ha iga aafeynin!

Asharaafta

Waa gabay aad u gaaban oo uu ku cabbirayo Abshir Bacadle qiimaha iyo qaddarinta ay mudan yihiin dadyowga Ashraafta ama Ahlu Beydka ku abtirsada dhashii Cali ibnu Abii Daalib iyo Faadumo oo Nebigeena Muxammad (naxariis iyo nabadgalyo dushiisa ha ahaato) gabadhiisa ahayd, waxaana uu ku talinayaa in la ixtiraamo isla markaana qaddarin gaara la siiyo.

Axaadiista Nabigeena iyo aayadaha diintu
Asharaafta waa qirahayaan jaahilkaan arage
Asal wanaagga Banii Haashimkiyo udugga Reexaanta
Ahlu Baydka shaqigaa inkira ee iska ogaada
Nabigaa awowgood ahoo aabbohood Caliye
Umul Faadumana waa dhashoo Ahalu Baydkiiya
Nabigaa amaanoo dhunkadey oo udgoonsadaye
Ku ikraama Suubbanaha waa axibadiisiiye
Afkiiniyo yadiinaba xumaantood iska ogaada
Ka cdab qaata uurkana ka raba Eebbahay magane
Axsin ilayhim adigoo Nabigi ku ixtiraamaaya
Halkay diinta kaga aadan yiin waad ogsoontahaye!

Qabri iyo Qiyaamo (Salsal)

Waa maanso uu abwaanku Ilaahey ku baryayo isagoo tilmaamaya wixii nimco iyo wanaag uu Rabbiigiis u galey inta uu ka xasuusto, waana maanso aad iyo aad u qiimo badan oo qof kastoo Muslim ah ku abuureysa dareen aad u weyn oo la xiriira cabsida Alle iyo rajada loo qabo naxariistiisa.

Ilaahoow ixsaan badanoow
Arxamu raaximiin la huboow
Addoonkaagi yaan ahay
Abaal kuuma gudi karo
Awoodana adays ka leh
Abuurkaygi koowaad
Asalka iyo bidaayadi
Ilaa uurki hooyadey
Haddoon odey ciro leh ahay
Aduunyada intaan jiray
Adigey arsuqi jiray
Ixtaajadana ii guda
Addoomana wax ima tarin
Ixsaan kaaga maahee
Arxan kalana sugi maa
Umuuraha qarsoon iyo
Wixii igu adkaadana
Adigeega oon tira
Aakhirana kasii daran
Ilaahoow ixsaan badanoow
Arxamu raaximiin la huboow
Ayaanta mowd i asiiboo
Ajashayda la gaaroo
Adduunyo aan ka aruuro
Aakhiro aan u jaheysto
Ereyga iigu danbeeyoo
Afkaygu ow ku dhawaaqo
Uurkana aan ka jeclaado
Ikhlaasna aan u iraahdo
Laa ilaaha illa Laahu
La aqbaloo la ajiibo
Iyo udgoonoow Nabigaynii
Imaamu Tawxiidka ahaa
Allahayow igu aadi
Argaggaxna iga ilaali
Ilaahow ixsaan badanoow
Arxamu raaximiin la hubow
Haddii iilka lay dhigo
Afar xararya jaqafyana
Laygu soo albaaboo
Ciidda laygu aasoo
Ahal iyo qaraabiyo
Ummadu iga jeestaan
Alaabadana qaataan
Ogaalkina la soo naqo
Indhahana la ii furo
Addoon waliba camalkiy e
Waaba gurigi aakhiro
Irid laga baxana ma leh
Iimaanka maahine
Aqoon horana uma lihi
Ixsaankaaga mooyee
Arxan kalana sugimaa
Ilaahow ixsaan badanoow
Arxamu raaximiin la huboow
Allow mahaan iska aalo
Iyo itaal daridayda
Iyo awood xumidayda
Iyo ixtaaj nimadayda
Adigu way aragtaaye
Isimkaaga Raxiim ah
Iyo Raxiimnimadaada
Ilaahayow iigu ixsaan fal
Aah aah danayga ilaali
Awood aan taada aheenoo
Iilki iigu timaado
Wallee inaan la arkeyne
Ilaahoow ixsaan badanoow
Arxamu Raaximiin la hubow
Lamadii arxan laawoo
Indha cagaarta ahaayoo
Ula bireedka siteenoo
Imtixaanka badnaana
Ilaahayow haygu asiibin
Aah aah danayga ilaali
Ilaahoow ixsaan badanoow
Arxamu Raaximiin la hubow
Sidaan akhbaarta ku hayno
Iimaankana aan ku rumeynay
Ayaanta yowmul qiyaamoo
Ummadu ay aqbalayso
Xaqay adduunka ku diiday
Waxbase ow anfacaynin
Iimaduna ay qubanaysoo
Argaggax uur xumo yaalo
Sidaan akhbaarta ku hayno
Imaankana aan ku rumeynay
Umuurta hoogane taala
Ayaanta Yoomul Qiyaamo
Waxaa amaan ka helaaya
Qofaad ixsaan u samaysoo
Intow adduunyada joogay
Tawxiidka aad ku arsaaqday
Iimaanna aad ugu deeqday
Istiqaamana siisay
Acmaasha saalixadaana
Inta yarow la yimaado
Ka aqbashoo ka ajiibtay
Seddaxdii Arbaciinoo
Uurka hooyo dhexdiisa
Markay noogu idlaato
Afar walxaad la qoraayey
Shaqaawo ay ugu aalin
Cilmiga asaaligaa he
Ummul kitaabka ku yaallin
Sacaado ay ugu taalo
Umuurahaa isku toosan
Adoomadaa ku arsaaqday
Waa oowliyaa-u-Raxmaanoo
Irrid jannay ka galaanoo
Malaa'igaa ka adeegtoo
Erayadey ku dhawayso
Waa Asalaamu Calaykum
Waa Abshiruu Bil Jannati
Ud-Khuluuhaa Bisalaamin
Amniyo raaxo ku waara
Iyo ummuuro la nuucoo
Ishoodu ay ku arwaaxdoo
Uurkoodunoow ku negaadoo
Ku istareexdo naftoodu
Ilaahoow ixsaan badanoow
Arxamu Raaximiin la huboow
Sidaan akhbaarta ku hayno
Iimaankan aan ku rumeynay
Ummuurahaa isku toosan
Addoonki aad ku arsaaqdid
Waa owliyaa u raxmaanoo
Inshaa Allaahu tacaalaa
Irid janow ka galaahoo
Malaa'igaa ka adeegta
Erayaday ku dhaweyso
Addoonka meesha galaaya
Waa Asalaamu Caleykum
Waa Abshiruu Bil Jannaati
Udkhuluuhaa Bisalaamin
Amniyo raaxa ku waara
Ishu waxay ku arwaaxdoo
Ku istireexdo naftiinu
Afar waboo kala nuucoo
Uur waynaad iyo duumiyo
Aan kaneeco laheynoo
Udgoon kooda la yaaboo
Naftu waxay ishtihaysoo
Adigoon ku dhibtoonin
Agtaada yaala badanaa
Arsaaq macaan badanaa
Udgoonya raaxa badnaa
Ubaxya geedo badnaa
Aqal ku daahya badnaa
Sariiro aalta badnaa
Firaash alfuufa badnaa
Barkin aloogan badnaa
Atraab1 abkaara” badnaa
Aroosku raaxo badnaayoo
Ilaahay deeq badanaa
Indha baraac badanaa
Aroosyo caashaq badnaa
Ilaahay deeq badanaa
Amniyo raaxo badnaa
Meeshu udgoon badanaa
Ili waxay aragoo
Udunaynku saamicin
Aadami quluubtina
Ebid aan ku soo dhicin
Wabiyaal afar nuucoon
Kuwii adduunka aheynoo
Janno qofkoon anshaqeynoo
Ilaahiisa ka tuugin
Iimaankiisa ma toosna.

Suuradaha Qur'aanka

Gabaygaan waxa uu ka hadlayaa boqol iyo afar iyo tobanka suuradood oo ah tirada suuradaha Qur'aanka Kariimka, sida badanna suuradaha midba wax baa lagu tilmaamey oo ay iyada astaan u leedahay.

Alxamduda tan Faataxa awala udubka towxiidka
Al-Baqra iyo Aalaa Cimraan waa ifahayaane
An-Nisaa iyo Awfuu axkaan urursan weeyaane
Ancaam iyo Acraaf baa Shirkiga oodayoo xirayee
Anfaal iyo At-Tawbana jihaad olalahiisiidhe
Akaan Yuunis Huud baa shirkiga lagu albaabaaye
Iimaan khalkhalay Yuusuf baa lagu adkeeyaaye
Ar-Racdi iyo Ibraahiim xaqaa lagu ogaadaaye
Al-Xijri iyo Naxlina iyana waa eynigoo kale'e
Israa' iyo Al-Kahfiyo Maryamo nuxurka iimaanka
Daah markaad aqrido iyo Anbiyo eridey shaydaane
Al-Xaj Muuminuun iyo An-Nuur ku ifso iimaanka
Al-Furqaan Ash-Shucariyo An-Namal unuga towxiidka
Qasas iyo Xasiba aaminoo ku ifso towxiidka
Ar-Ruum iyo Luqmaan iyo Sajdana waa iyagoo kala e
Axsaab iyo Sabiyo Faadir baan aaminoo qiraye
Alle idanki Yaasiinka waan ku aflaxeynaaye
As-Saafaadiyo Saad iyo Tanziil udubka towxiidka
Aqbaley Qaafir aaminey Fusilad idan Ilaaheeye
Iimaan dabcana Shuura waa lagu adkeeyaaye
Az-Zukhruf iyo Dukhaan iyana waa ubaxa towxiidka
Al-Jaathiya Axqaaf Muxamed baa sugaya iimaanka
Innaa Fatax iyo Al-Xujuraad waa arkaan dhabahe
Ku adeeca Qaaf kuna ayida amarka towxiidka
Ad-Daariyaad Ad-Duur iyo Najmiyo Qamarna iimaanso
Ar-Raxmaan Al-Waaqica Xadiid Eebbe ku aqoonso
Ku adkow Mujaadalo Xashrina waa asluub wacane
Al-Mumtaxinadii Laa-Tatakhid lama iloobaan dhe
As-Saf iyo Jumcaa uur mugdiya lagu iftiinshaaye
Al-Munaafiquun labagaloow Boqor ku eedeeye
At-Taqaabun Dalaaq iyo Taxriim waa asluub Nabiye
Al-Mulkiyo Al-Qalam iyo Al-Xaaq imaamu towxiid dhe
Al-Macaarij iyo Nuux xaqaa lagu ogaadaaye
Al-Jiniyo Al-Muzamilna waa oogta Thaqalaynka
Al-Mudathir Nabow orad kac iyo erayo towxiida
Al-Qiyaama ayaantii danbey ina ogeysiine
Al-Insaan abuurkayni bay nooga akhbaartaaye
Al-Mursalaad umuuraha jiroo adag inoo sheektay
An-Naba' iyo Naazicaat wax bey noo ifinayaane
Cabasa At-Takwiir waa irshaad aan ihmaal geline
Infidaar waxay noo ifidey ummuur qiyaamoo dhan
Al-Mudafifiin akhbaar ganacsadaa Eebbe ku canaantay
Al-Inshiqaaq Buruuj Daariq waa ilihii towxiidka
Al-Aclaa iyo Qaashiyana waa ahal wadaagaane
Al-Fajriyo Al-Balad waa xusuus lagu ilmeeyaaye
Ash-Shamsiyo Al-Layl kownigey kuu ifinayaane
Ad-Duxaa iyo Sharax iyo Wat-Tiin nuxurki iimaanka
Iqra' waa bidaayadii waxyiga saan ogsoonahaye
Al-Qadri iyo Bayina iyo Zulzilat ku ayid iimaanka
Al-Caadiyaad Al-Qaaricana waa lagu adkeeyaaye
At-Takaathur isugu faan adduun wow ekoontahaye
Al-Casrina imaankaaba yiri idilka diinteen dhe
Al-Humaza al-Fiiliyo Quraysh waa isku egyiine
Al-Maacuun salaadda iyo daris na ogoleysiisay
Suuratul Kowthar iyo Kaafiruun kamaalul iimaan dhe
An-Nasroo Idaajaa ah waa oofsigii Nebiga
Al-Masadoo Tabbada waa canaan reer Abuu-Lahabe
Al-Ikhlaasna towxiid Alloo urursaan weeyaane
Al-Falaq iyo An-Naas magangalkii Ilaahay weeyaane!

Shirib

Boqol tobanya afartaan Ilaahow naarta iiga ood
Allow haddaan ku dheelayoon wax dhimay danbigayga dhaaf
Ilaahow maalintaan dhintaan ka dhursugaahe iigu dhaaf.

Aroos Sharaf Leh

Gabaygaan waxa uu Bacadle ka soo jeediyey madashii xafladii nikaaxa ka dhacday, taas oo dhex martey Awees Axmed Xuurshe iyo Fallis Maxamed Cadde.

Aroos sharaf le' udug iyo jeceel ebid aan doorsoomin
Awlaad suuban aqal hoos qabow dhaqan asluubeysan
Aqbal iyo ijaabo iyo khayr idan Ilaahey ah
Iyo xididaan anafoobinoon eedi kala gaarin
Ehel iyo qaraabiyo martina oonka laga gooyo
Abtiyaalna loo nugul yihiyo eeddiyo adeero
Ifkiyo aakhiraba ceeb Rabbigey haydin ka ilaalsho
Allow naga ajiib duco abtoo urursan weeyaane
Falisey1 amaan koobanoo lama ilaabaana
Ekshinkiyo afkala qaadka iyo midabka loo uumey
Asalka quruxda hooyo iyo aabaa isku ekaaye
Arooski Ruqiyo iyo Maxamad baan shaahid ka ahaaye
Indhaha deeradaa iyo jinnigu waa ablooga harye
Ha eegin dhirirka oo waa ilmee eed hanaga saarin
Aqalkay ku dhalatiyo Bakiin waad ogsoon taheye
Orod iyo ayaanbey facaa ku arki waayeene
Nin kaleeto kuma aamineen adiga mooyaane
Isheeda saxarka ka ilaali waa noo abaal marine
Intaasaan ku soo ururiyaye raali ku ahaada
Gabadhaan ammaanta u badshaye raali ka ahaada
Afkay boobay eex kama wadine raali ku ahaada
Abtinimadi bey jiidataye raali ku ahaada!

Ameerikaan iyo Yahuud

Waa geeraar aad u dheer ee uu Abshir Nuur Faaraax Abshir-Bacadle ku cabbirayo aragtidiisa la xiriirta dhacdooyinka casriga ah mid ka mid ah, taa oo ah howgallada militari ee ay ka wadaan goobo badan oo ka mid ah adduunka gaar ahaan dalka Afqaanistaan kadib markii weerar ay ku qaadeen dowladaha gaashaanbuursiga ee Naato ee uu hormoodka ka yahay Mareykanka, waxaa weerarkaa lagu sababeeyey dhibaatadii ay u geystey kooxaha Al-Qaacida dalka Mareykanka, kadib weerarradii ay ku qaadeen qaybo ka mid ah dalkaas. Abwaanka oo arrimahaas ka hadlaya waxaa uu ka cabanayaa weeraraddii Mareykanka ka geystey dalka Afqaanistaan iyo dhibaatooyinkii ay sababeen, waxaana uu Ilaahey ka baryayaa inuu jabiyo awooddaas soo weerartey dalkaas Muslimka ah.

Amaan Alley u sugnaatay
Ilaahay baa amar wayn le'
Iyo awoodda sarreysa
Addoon kibraana ka aarta
Haddowsan towbad asiibin
Udgoone waa Nabigeena
Ilaahaygii na abuurtaa
Iimaanka noogu nimceeyey
Ajalna wow dhimanaayoo
Ilaahay baan ku naqaane
Ameerikaana arkaysa
Iimaanka looga fogaado
Dadow ha layska ogaado
Aakhiru saban weeyee
Ilaahay aayadihiisiyo
Axaadiista Rasuulka
Dadoy yaan la iloobin;
Afqaanistaan danbigooda
Ameerikaanku ku haysto
Ujeeddadii ka danbeysay
In dhala aan ka tilmaamo
Idinna aad u dhegaysta
Ilaaheybay waxideen
Rasuulki bey addeeceen
Towxiidki bey aqbaleen
Asnaamti bey burbursheen
Islaamki bey ku dhaqmeen
Iimaanki bey kamileen
Ixsaanki bey ku dareen
Dumarkii bey astureen
Uburki bey firdhiyeen
Asalkii bey ku dhegeen
Intaa markii la ogaadaa
Yuhuudu ooyin bilowdey
Ameerikaa qalab qaaday
Adduunki baa wada qayliyey
Af labadii la dhawaaqay
Afaryashoow lagu dhaanshay
Abriyadaa la xasuuqay
Dicaayad baa la afuufay
Waa asal raace ogaada
Waa reer Usaamo bin Laadin
Afkii yirees qaban waayey
Waa laysku aanburi waayey
Islaam sheega tadiina;
Intay meel ku aruurtay
Erayadey qorayaaniyo
Arjigay dirayaanoo
Afqaanistaan ku abaaran
Afxumadooda dhageyso
Waa hee inkaaran yihiine
Afqaanistaan edeb yeelo
Ameerikaan ka danbeeya
Adduunku yow na takoorin;
Irhaabi yaan u ekaanin
Iyo argaagixiyoodhin
Ummadda yaan la halaajin
Ameerikaan kuma aadno
Abaar xumaan ku jirnaahe
Ilmaha yaan la baqtiinin
Asalka xaad ka rabtiin
Uburka maad qabsatiin
Ammaanku sow u adkaado;
Afqaanistaana dhegeyso
Erayaday ku jawaabtayiyo
Alle isku hallaynta
Ameerikaanya Yahuud
Ingiriis iyo Ruush
Awoodey sheeganayaan
Ilaahay baa ka sarreeyoon
Umuuraheena u dhiibnay
Insha Allaahu tacaalaa
Alle waxaan ka sugnaana
Waa ixdal xusnayeyni
Immannasru wa imma shahaada;
Islaam sheegatadiiyey

Idinna waydin ogaanee
Ilaahay baa nagu toosane
Assalaamu calaykum
Intaa hanoogu ekaato
Kibir Ilaahow adaa le'
Cidna umaad ogolaatid
Aaway caadaab adanahaagi
Kufaarta aad u yaboohdey
Ameerikaanya Yahuud
Ingiriis iyo Ruush
Iyo intii u adeegta
Ilaahow maad ku asiibtid
Waa ku arwaaxi lahaynoo
Waa acdaa'ul Islaame
Ameerikaan kibirkii uu
Afqaanistaan ku hujuumey
Ilaahay baa kala tuurey
Ujeeddadiisi ma gaarin
Dagaalki uu ololeeyey
Waxba kamuu istafiidin
Usaame meel kuma sheego
Mullane wuu arki waayey
Dacaayad buu ku afuufey
Irhaabi buu ku tilmaamay
Iyo argaagixiyooyin
Wax walba wuu ku ataagay
Dagaal xun buu ku ekeeyey
Adduunki buu ku jiheeyey
Dayaaraduu ku asqeeyey
Atoomikuu ku cabsiiyey
Dhaqaalahuu ka afduubey
Wax walba wow isticmaalay
Afqaanistaan madaxdoodi
Innaba sooma rujuucin
Ishoodi waa libqi diiday
Sidii asxaabti Rasuulkoo
Muhaajiriinya Ansaaroo
Imaanka loogu nimceeyoo
Jannadu ay u udgaysoo
Alle waxay ka baryaana
Abidkood aan laga daysan
Ameerikoy ilmahaagu
Si ay amaan u helaan
Adna kuwayna ka aal
Afqaanistaan ha maquunin
Usaama been ha ka sheegin
Islaam colaadiska jooji
Hanooga eexan Yahuuda
Unatanayshiinka beentaa
Haddaan u soo ashtakoono
Fiito hanoo isticmaalin
Intaa haddaadan ka aalin
Inshaa Allaahu tacaalaa
Allaha wayn idankiisa
Adna amaan heli maysid
Awood halkay nadhigtaaba;
Golihiina ammaanka
Iyo xuquuqul insaanka
Afkuunbaad ka dhahdiinoo
Ummadaad ku sirtiinoo
Aqligaad ka xadiine
Ameerikaa degsatoo
Israa'iil ku difaacda
Ilaahaygi na uuntaan
Asmaadiisa ku dhaartee
Irhaabiyiinta adduunka
Ameerikaa ugu wayn
Oo argaagixisaa hoo
Israa'iil ku gargaarta
Abriya layska xasuuqiyo
Odayaalka gaboobiyo;
Ilmiyo naago la laayo
Oon laga istixyoonin
Taasi miyaanay ahayn!
Dadka reer Nabi Aadan
Oo Ilaahay abuurtay
Qaarna waa urgunkii
Qaarna waa asalkii
Ameerikaanya Yahuud
Iyagu waa asalkiiyoo
Ul haddii lagu tuuro
Adduunkaa rogmanaayoo
Atoomikaan ridayaa
Inta madowya Islaamku
Iyagu waa urgunkiiyoo
Asalbaanay ahaynoo
Iib haddii lagu waayo
Eeyahaa xurmo dhaamee
Aaryan Sharoon ha xasuuqoo
Jawaabtu waa isdifaac
Haddii leeja ukuwaale1
Iyo xuquuqul insaanka
Ameerikaan ku yaqaanoo
Gola amaan fulinaayo
Usaamo waad tuhunteenoo
Umuurtu sooma cadaane
Yahuudka Aaryan Sharoonoo
Isir sifeynta yaqaanoo
Adeegsanaaya xasuuqa
Maxaa u arki weeyoo
Loo abaal marin waayoo
Looga aamusayaa
Ilmaha reer Falastiinoo
Afartan iyo sideedii
Illaa maanta la joogo
Qaxootigaa ku abaadoo
Aabeyaashi dhaleen iyo
Umuhaadki la laayoo
Sabra iyo Shatiila
Iyo Diira Yaasiin1
Aaryan Sharoon ku xasuuqay
Waa xuquuqul insaan
Miyaad aamin santiin?
Maxaa loo arki waayoo
Afka looga dabooshay!
Ilaahigii na abuurtoon
Adoomadiisa ahaynoow
Ashtakaan wadanaaye
Ilaahow na ajiib
Haddii Usaama bin Laadin
Gaaladu ay ka adkaatoo
Afqaanistaan la maquunshoo
Ameerikaanku qabtaan
Ido riyaa u indhaahe
Ashaamid keena haraayaa
Islaamka daafici mayno
Diintana waa u ihaano
Ameerikaa noqonaysa
Ilaah baadila oo yar
Islaamna waa u dhamaatoo
Gaaladaa alalaasiyoo
Ameerikaanya Yahuud baa
Isticmaar cusub keeniyoo
Tawxiidkaa ahel beeliyoo
Amxaaradaa madmadoowiyo
Israa'iisha qurmoon baa
Ujeeddadooda helaayee
Ilaahow haw u oggolaanin
Allow Islaamka u hiiliyoo
Umuurahooda hagaaji
Allow inaan jisyo qaadnoo
Ka aruurino Aarmiga
Ilaahow noo ogolaawoo
Amiirul mu'maniiniyo
Awood xoogle nasii
Aan ka aargudanee!
Ilaaheeyow Islaamka
Itifaaqiya siiyoo
Umuurahooda hagaaji
Ilaahaygii na abuurtoon
Addoomadiisa ahaynoow
Markaan jihaadki ilownay
Uskag layska dhaqaayiyo
Uburka daadku afuufiyo
Urgun baan u ekaanay
Ameerikaanyo Yahuud
Iyo Amxaaradaan ka baqnaa
Asmaa'ul xusnahaagaan
Ilaahow kugu tuugnee
Guusha noo oggolow!

Waxaan kusoo afjaroo
Gabaygii aan ku aruurshay
Haddiiba diinta Islaamka
Ameerikaanya Yahuud
Iyo Amxaaro noo saxayaanoo
Afhayeen ka noqdeenoo
Iyagu yeerinayaan
Intaanu waa asalraac
Irhaabi baa la yiraa
Waa argaagixiyooyin
Ujeeddadooda qarsoona
Waa inay diinta Islaamka
Adduunyadoo dhan gelshaan
Sidaasaan ku ataagnay
Kuwaana waa ahlu khayr
Waa Islaamka wanaagsan
Amaan baan ka helnaa
Birtoodu nooma afeysno
Ahlu dariiqadii weeye
Waa reer Aweys Axmed Dheere
Intii Ilaahay taqaanoo
Nebigoodii adeecdaay
Arrinkaa u dhug yeesha
Haddii Aaryan Sharoon
Qaarkeen uu ahlaystay
Qaarkeena uu inkiraayo
Sow afartii dibi maahinoo
Bahalku uu aqliyeystoo
Ayaanba uu mid cunaayey
Sow umuurti Dajaalkoon
Axaadiista ku hayniyo
Aakhiru aban maaha
Iyo imaaraatul Qiyaame
Sidaa haddaan oggolaanoo
Ameerikaanka ka yeelno
Islaamki bey naga saari
Haddii aan uh niraahnana
Qof walba waa ajashiisi
Ilaahay uu u xariiqay
Sidaa miyaanan ogayn
Imaanka maa la adkeysto
Adduunyo waa imtixaane
Asmaa'ul xusnahaagaan
Ilaahow kugu tuugnee
Ducadeena ajiiboo
Malaa'ikta udgooni
Amiin ay na tiraahdoo
Aqbal ijaabo ka yeel
Iyo ujeedo wanaagsan!
Intii acdaa'ul Islaam ah;
Oo Amxaaro ay u horrayso
Waa inkaarahaaye
Amiinta iigu adkeeya
Afar dhaloo isku aadan
Oo baasuuke asiibay
Miinana ay kor la aadoo
Iniinahoodi la waayay
Sidii waxaan la abuurin
Ameerikaanya Yahuud
Ilaahay ha ka yeelo
Ubax geedo ka daatoo
Angagoo xash xaashooboo
Ay dabayli asiibtoo
Iniinihiisi la wayey
Sidii waxaan la abuurin
Ilaahay ha ka yeelo
Aqal makuuti1 ahaayoo
Uu batrool afka joogoo
Holiciina asiiboo
Iniinihiisa la waayey
Sidii waxaan la abuurin
Ameerikaanya Yahuud
Ilaahay na ka yeelo
Eri geel ku biqleeyoo
Enna-Tareena kor qaadoo
Afartii rafaneysay
Ilacaddeeye asiibay
Ameerikaanya Yahuud
Ilaahay ha ka yeelo
Irbad aan dun laheynoo
Maalintii afaraad
Ilma ay lumiyeenoon
Abidkeed la arkaynin

Aleel badwayn ku aruurtay
Abur bacaad lagu aasay
Ayax biyood la sumeeyey
Aboor tanaar ku aruuray
Holiciina asiibay
Ilaahay ha ka yeelo
Idha abceso qaniintoo
Aashito uga danbaysay
Eber noqdoon wax arkaynin
Ukumo laami ku daatay
Ashuun maroodi ku seexday
Ameerikaanya Yahuud
Ilaahay ha ka yeelo!
Allow kufaarta aruurtay;
Islaamku uu ka adkaado
Ameerikaanye Yahuudna
Asfala Saafil kayeel
Ujeeddadooda qaloocan
Ilaahow haw ogolaanin
Allow khilaaf ku asiiboo
Iyagu ay isdilaan
Allow shidaalka ka oomi
Ceelashunay angagaan
Allow arsaaqda ku dhuuji
Imkaaniyaadna ha siinin!
Allow atoomikadoodu;
Iyaga aafo ku reebto
Ilaahow Aydhisya Kaankar
Umaradooda ku hooji
Ilaahow Aaryan Sharoon
Iyo Ina Buush ku biloowoo
Asfala Saafil ka yeeloo
Ducadeena ajiiboo
Axad kaleeto ma tuugnoo
Ishraag baan u naqaane
Ilaahow na ajiiboo
Istiqaamo na sii
Allow kufaarta aruurtay

Asfala saafil ka yeel
Allow abaar iyo tiih
Iyo umuuro qarsoon
Iyo dhul gariir ku asiiib!

Shirib

Usaamiyo Afqaanistaan,
Ilaahow aar libaax ka yeel
Israa'iil iyo Ameerikaan,
Eri dudaa Allow ka yeel!

Ikhlaas iyo Waxdaaniyad

Geeraarkaan wuxuu ka hadlayaa towxiidku inuu yahay ahmiyadii rususha loo soo diray, wuxuuna ku bilaabanayaa abwaanka sidatan:

Cibaadada adoomuhu
Alle ula jahaystaan
Shirkina laga ilaaliyey
Ibtidaacna laga saxay
Ma aqoonin aadmigu
Intii aan Ilaahey
Anbiyada u soo dirin
Oo aan waxyigu iman
Asalkana cibaadada
Awalya aakhirkeedaba
Ikhlaas iyo mashruucbaa
Aqbalkeeda lagu xiray
Oo lagu ajiibaa
Waxaana laga ilaalshaa
Ibtidaac iyo ishraag
Anbiyaduna aadmiga
Arrinkay u sheegeen
Oo nagu adkeeyeen
Ahmiyadiisu waxay tahay
Inaan addoon addoon kale
Ilaahiisa garab dhigin
Annaguna iscaabudin
Abya oday warkoodiyo
Ibtidaacna lama rabo
Waa wixii Abuu Jahal
Ilaahey ku lacanadey
Risaalada Ilaahay
Anbiyada la soo diray
Illaa Aadam iyo Nuux
Iyo Nabi Ibraahiim
Iyo Nabi Saalix iyo Huud
Iyo Yuunis iyo Luud
Iyo Muuse iyo Ciise
Iyo Muxammed Aamiinoo
Aakhiru rusul ahaa
Iyo intii ka horreysay
Allaa koobi karayee
Arrinka ugu muhiimsano
Ilaahey la soo diro
Towxiidka inuu yahay
Waa inaan ogaanaa
Ilaahayna laga baqo
Rusushana adeecnaa
Amarkooda fulinaa
Aadna u jeclaanaa
Allana raali gelinaa
Aayadaha Qur'aankiyo
Axaadiista Nabigiyo
Adkaarta iyo Fiqigiyo
Ijmaac iyo istixsaankiyo
Aslaynkana ku dhaqanaa;
Oo lagu adkaadaa
Qofkii aan intaa garan
Caqligiisu nuxur ma leh
Ibliiskow u gacan galay
Anbiyadi ma taabicin
Towxiid kama ansixin
Ibraahimna kuma dayan
Ikhlaas iyo waxdaaniyo
Ilaahey uma barax tirin
Imtixaanki kama bixin
Ijaabana is mey arag
Sunnada ahal uma ahaan
Jamaacadana ma aqbalin
Aslaynkana ma waafaqin
Towfiiq ismey arag
Indhahow ka xiran yahay
Ushow dabada haystana
Ibliiskaa hoggaamiya
Boholow ku aadiyey
Aan salkooda la arkayn
Allaha naga ilaalshee
Ilaahayna ma oggola
Axad lala wadaajiyo
Iyo addoon la garab dhigo
Oda-Hebelya Ow-Hebal
Abkeen iyo awawgeen
Iyo Aboota Calasey1
Odayaalo maantoo
Ilaahoodu oofsaday
Allaah yaan la garab dhigin
Owliya ha joogtee
Xataa Muxammed Amiin
Iyo Ulul Casmiga idil
Cibaadada Ilaahey
Inyar loogama oggola
Say waa addoomee
Ahalkeedna ma ahayn 

Shirib

Awliya Alle waa addoon, Alle la tuugna waa ishraag
Dastuuraan kii Alle eheen, inow ishraag yahay ogow!

Waa Inaanu Isguursanaa

Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle halkaan waxaa uu ka soo jeedinayaa gabay uu si aad ah ugu lafa gurayo cudurrada iyo jirooyinka dadka Soomaaliyeed aafeeyey oo ah in lays hayb sooco oo dad Soomaaliyeed la takooro ama dhibaato yasitaan ah loo geysto isirka iyo haybta ay ka soo jeedaan awgeed. Abwaanka gabaygiisa wuxuu ku bilaabey sidatan:

Ibliis wuxuu noo laqinay
Alliyo Nebina ogoleyn
Aqligana aan geli kareyn
Asal iyo farac laheyn
Adduunkana laga aqoon
Sidee baad ku aqbasheen?
Ma weydnaan Islaam aheyn
Aqliga ku xisaabtamoo
Ibliis ha u hiilinina
Allena yow idiin caroon!
Walaalahaad aaminteen
Inay eed weyn galeen
Ummaddaney ka xun yihiin
Qof iyo camalkiisa iyo
Ina akramakum cindallaah,
Atqaakum waxaan aheyn
Oo ay iiga duwan yihiin
Wallaahi inaan la arag
Billaahi inaaney jirin
Tallaahi inaanan ogeyn
Waa iftaro iyo been abuur
Dadkuna weyska aqbaleen
Umuurtaa jaahiligaa
Indiyaa laga soo xigtaye
Shaqoba kuma laha Islaam
Aqliga ku xisaabtamoo
Ilaahiinana ka baqa
Ibliis ha u hiilinina;
Walaalo Islaam ahoon
Innaba eed geysanoo;
Iftaro iyo been abuur
Aan asal iyo farac laheyn
In badan geed ugu xiraa
Ayaan iloleynayaa
Inaan istaqlaal u helo
Inshaa Allaah idan Rabigey
Ummadda Soomaaliyeed
Oday iyo culumaa'u diin
Aqoonyahan iyo qoraa
Indheer garad iyo abwaan
Abukaate iyo madax
Iyo ururrada bulshada
Waa inay sidaa aaminaan
Abuunaa Aadam iyo
Waxay umul Xaawo tiri
Qofkii gabaygaa arkoo
Asmaca amase aqriyoo
Aan igu taageeronoow
Inkaar baad mudan tahaye
Dibaan ka asqeynayaa
If iyo aaqiro ka hoog
Aydhis iyo Kaankar qaad
Indhaha nuurkooda waa ilmiyo
Arrad eber ka joog
Adduunka faqiir ahaaw
Aakhiro jahanamo ku waar
Ilaahay baan baryaye
Inshaa Allaah wuu aqbali;
Ilmihii Nebi Aadamoo
Wax aanaan kala aheyn
Isku aabbiyo hooyo nahay
Abtiriskeenuna mid yahay
Oo aan nala kala aqoon
Asalkiyo faraca nagu
Isleeyahayoon ognahay
Abuurkayagaa islohoo
Wallaan nala kala aqoon
Oday baan biyihi nahay
Abuunaa Aadam iyo
Umul Xaawaa ina dhalay
Idina weyla ogtihiin
Sidee baa loo inkiri
Aabbaheen baa qaadi jiroo
Beerkiisaa laga unkoo
In badan buu soo dhunkaday
Udgoonsadayoo uu jeclaa
Umul Xaawaa dhashoo
Uur baan wada jiifanoo
Ibnaas baan wada nuugnayoo
Udgoonaa hooyo tiri
Beerkeedina aan aheyn
Indheheedey naga jecleyd
Dhabteeduna noo aheyd
Arkaa iyo aqal dugsoon
Ilmaheedaan wada aheyn
Anaga iyo iyaga
Wallaaney kala aqoon
Sidaan hadalkaa u iri
Aamina oo iga aqbala
Haddii iimaan jiroo
Aqligu uu saaxi yahay
Aabaheen iyo hooyadeen
Inagama astaahilaan
Owlaadiinaan fongoray
Ihaaneystoon dulmiyay
Anaa ka awood badnaa
Gumeeyoo ilama dhalan
Haddeey eraygaa maqlaan
Aabaheen iyo hooyadeen
Inkaar bey ridahayaan
Alley inagu ashtakeyn
Anugu waa yaabanahay
Umuurtaa jaahiligaa miyaad
Ookeey dhahdeen Soomaaliyeey?
Ina akramakum cindallaah
Atqaakum-na inkirteen?
Aabaheen iyo hooyadeen
Uwlaadii ay dhaleen
Islaam ahoon gaal aheyn
Ilaahoodana waxiday
Rasuulkoodana adeecay
Towxiidkooduna ansaxay
Arkaanul Islaamka iyo
Iimaankooduna dhab yahay
Afar iyo toban fac waxaan
Walaalaheey ku eryayaa
Ma ogin weyska aqbalnaye
Ma aha aayado Qur'aan
Axaadiis lagama helin
Ibliis baa noo laqinay
Ilmihii Nebi Aadam iyo
Umul Xaawaan nahoo
Aabbiyo hooyaa ina dhalay
Walaalahaan ka ordayaa
Wax iin ahoo lagu fongoro oo
Aan qof iyo camalkii aheyn
Wallaahi inaan la arag
Anigu waa yaabanahay
Walaalahaan ka ordayaa
Ma waaney Islaam aheyn?
Ma abuurkoodaa beddelan
Ma Ilaah kaley leeyihiin?
Ma asnaam bey caabudaan?
Ma waan nebi Aadam dhalin?
Ma umul Xaawaan anqarin
Ma faal baa idinku diray
Kuhaan baad ka aqbasheen oo
Waxaasaad aaminteen
Ma heysiin aayad iyo
Xaddiis iga oodayoo
Aniga iyo iyaga aan
Nikaaxeenu ansaxeyn
Ina akrama kum cindallaah
Atqaakum ma inkirteen?
Walaalo Islaam ahoon isku
Aabbiyo hooyo nahay
Abuurkeenuna mid yahay,
Indhuhu ay labo yihiin
Afkeenuna uu hal yahay,
Wejiga aad kala aqoon
Ilkuhu ay siman yihiin,
Anfigu uu labo dul yahay
Timuhuna anqaas madow,
Foolkuna weysada aqbaloo
Wax tin ah aan lagu ogeyn,
Gacmaha aan isaga egnahooy
Afar iyo suul wataan
Adimadayadaa is lohoo
Maqaarka yagaa isku eg oo
Aan cidi kala aqoon
Abuurka yagaa islohoo
Aabiyo hooyaa ina dhalay
Ibliis wuxuu noo laqinay
Miyaan ookeey dhahnaa
Ina akramakum cindallaah
Atqaakum-na inkirnaa?
Umuurtaa Jaahiligaa
Alliyo Nebi ma ogolee
Waxani waa talo Ibliis
Aqoonyahankeena iyo
Abwaankiyo culumadiyo
Indheer-garad keena iyo
Ilbaxa kuwa sheegta iyo
Asxaabul cuquulka yaga
Iyo urarrada bulshada
Oday dhaqameedyadiyo
Intii iimaanku solay
Umuurtaa jaahiligaa
Sidee baad ku aqbasheen?
Misena uga aamusteen
Weliba taariikh ifkiya
Umadda u meeriseen
Iyana weyska aqbaleen
Aabahaa iyo hooyadaa
Owlaadoodii ha fongorin
Akhaa hilibkii ha cunin
Alliyo Nebina ha ka furan
Abaweynkii na dhalay
Ilmohoodii gun ha ka dhigin
Aakhiro naartii ha ku gelin
Axad uu Nebi Aadan dhalay
Islaam ahoon gaal aheyn
Abuurkeenii horiyo
Asalkayagii mid yahay
Umul Xaawana dhashoo
Uur aan wada jiifanoo
Ib naas wada nuugyahoo
Udgoonaa hooyo tiri
Ihaanada lagu fongoray
Ma ogin weyska aqbalnaye
Asal iyo faracna ma leh
Aqliga ku xisaabtamoo
Ilaahiinana ka baqoo
Owlaadii aada dhashoo
Ilaaheey kugu arsuqay
Abraar ahoon caasi noqon
Wax iin ahoon lagu fongoro
Inaba aan lagu ogeyn
Qofkee baa oran lahaa
Intani waa asharaaf
Abtiriskeygey wataan
Iqyaarnimaa lagu ogyahay
Oo waa owlaad nasaba
Kuwona waa uusmadow
Isim gunah bey wataan
Nikaaxuna kuma ansoxo
Adigaa dhalay yaan la oran
Ma aha owlaad nasaba
Qofkee baa oran lahaa?
In hadal kani aafo yahay
Haddaad saa u ogtihiin
Ilmihii abaweynku dhalay
Maxaa loo oranayaa
Ma ihid owlaad nasaba?
Kanina waa ina Suldaan
Kanina waa inan gumeed!
Ibliis hadalkiis ahaa
Labo qofoo Islaam ohoon
Nikaaxu isugu ansixin
Nasabkooda ajligii
Oo aan mawaaniicdii aheyn
Nikaax albaabi jiray
Indiya uun baa taqaan iyo
Islaam Ilaah waa kala suntaday
Ina akramakum cindalaah
Atqaakum buu aqbalay
Dameer la uleynayaa
Aqligu wuxuu keenayaa
Inaad ka xanuunsatoo
Alle abaal uga sugtee
Ma ruux aadami ahoo
Islaam ahaad leedihiin
Ummadahaad ka xun tihiin
Ma ahid owlaad nasaba
Umuurtani waa shirkiye
Ilaahey u soo noqdoo
Waxdaaniyada aqbaloo
Alliyo Nebina ha ka furan
Akhaa hilibkina ha cunin
Umuurtan kafaaradeedu
Waa inaanu isguursanaa
Wax kaloo ay ku ansaxeyso
Wallaahi inaan la arag
Ogaalkeedana lahoow!

Shirib

Nasabkii Nuuxya Aadamoo
Hal naas wada nuugayaad tihiin
Inna Akramakum cindallaah
Atqaakum xaad u inkirteen?
Asleynkiyo ijmaaciyoo
Waxaan athar cilmiya aheyn
Ogaadha weyska iftaree!

Bidca Qiil u Doon

Tixdani waxaa uu abwaanku kula hadlayaa qolooyinka bidcada daliil diini u raadiya oo isku daya inay diinta waafajiyaan. Gabyaagu isagoo arinkaa aragtidiisa diiniga ah ku cabiraya ayuu la hadlayaa qolooyinka aanu soo sheegnay, waxaadna moodaa in uu furayo dood hal dhinac ah oo ku aadan bidcada iyo wixii la xiriiira.

Bidca qiil u doonkoodu waa beenu raad ma lehe
Bacda Nabi Qur'aankaa la dhigay fiqiga maad beenin
Taraawiixda Cumar baa badshey baw la soo dhihiye
Bushi wax ugu filan hadalkan baan soo bandhigayaaye
Run iyo been xaqiyo baadil kay kala bahaystaane
Hadday diintu beeg dhiman tahoo baaqi soo dagayo
Budda lama dhigeen Nabigi waad bahadalow deene
Musxafkaa bidcaa duulki yiri waxaa ku beeneeyey
Bushimihii Rasuulkuu ka saxay Baarigii qoraye
Boqolkiiba boqol saxaabadii waa u bogaadsheene
Ballan iyo cuhuud baa jirtaye lama bilaabeene
Xaraf lama beddelin lamana badin laman beegdaadin
Bihi iyo lakana lagama tegin lamana been uumin
Biddaayo iyo nihaayaba haleel barihii towfiiqda
Ragbaase been abuur iyo bidciyo baadhil sama mooda
Kollay fiqigu waa badan yahayoo boqol kitaab dhaafye
Raggii soo bartaa laga rabaa baaritaan saxahe
Wuxuu diinta kaga beegmo waan kala baxaynaaye
Inta kalana bari baan ka nahay waa bidciyo hooge
Bara1 iyo Akhaan iyo ninkii Baqara moodaaya
Inuu balalka naareed ku gali ba' aha yow sheega!
Taraawiixda Cumar uu badshoo aad bidcada moodid
Balan buu Rasuulkii ka qabay baadi ma ahayne
Badrudiinki Nabi Muxamed baad dhan uga beyrteene
Bidcoo dhani inay baadil tuhuu noo bayaaniyaye
Waa maxay barkeed baa sunaa baraka beelooyin?

Bulugley

Geeraarkan waxaa uu ku aaddan yahay u dabaal dagga maalinta calansaarka, waxaana uu ka jeediyey Abshir xafladdii afartan guuraddii ee maalinta Soomaalida Koonfureed ay ka xurooday gumeysigii Talyaaniga, isla markaana ay isku darsameen labadii qeybood ee Soomaalida Waqooyi iyo Koonfur. Abshir waxaa uu geeraarkan ka soo jeediyey xaflad lagu qabtay Hoteel Ramadaan, oo ay soo qaban qaabiyeen ururada isku tagay ee nabadeenta iyo xuquuqul insaanka, ee loo yaqaano marka la soo gaabiyo INXA taariikhdu markay ahayd 1dii Luulyo, 2000.

Allaha baaqiyahoow
Boqorkii na abuurayoon
Baryihiisa jeclaayoo
Badbaadadeena lahaayoow
Barigii isticmaarkoo
Bandiiradoodii xumeyd
Inta bir dheer laga taagay
Aqalkii Barlamaankiyo
Gurigii Barasaabkiyo
Bartii Fiisho Gubeyrno
Dusheena ay babaneysoo
Badankeena gubey soo
Beerka ay naga haysoo
Misana aan ka baqeynay
Bahashaa naga siiba
Ciilkuna uu naga buuxay
Butuli aan oron waynoo
Ilaahii badalkeedi
Bulugley ina siiyoo
Xiddigtii boqraneydna
Bartanka ay kaga taalloo
Shanta baal fidinaysay e
Midnimadeena ku baaqday
Inta bir dheer laga taagay
Aqalkii Barlamaankiyo
Bartii Fiisha Gubeyrniyo
Gurigii Barasaabka
Baanbaydii u tumeysoo
Dushooda ay babaneysoo
Baallaha isla dhacaysoo
Bogga aan ka jeclaynoo
Markaan saa u bacleelno
Waa bururkii farxadeena
Waa boolyowgii calankeena
Waa bishaaradii ummaddeena
Waa barwaaqadii qarankeena
Waa baabi'ii cadawgeena
Baryo aynu sugaynoo
Jabuutey ka bidhaantoo
Boolyow baan u qabnaaye
Ilaahow biligtaa yar
Maanta ha iga bakhtiinoo
Baryahayga ajiibeey
Allaha baaqiyohoow
Boqorkii na abuurayoon
Baryihiisa jeclaayoow
Barigii dhagax tuuroo
Bulshadeenu gadoodoo
Shacabku ay birmadeenoo
Birta layska aslaayoo
Gaalada aynu bashaaqney
Bulshadii dirireysay
Dadkii boorka shidaayey
Dumarkaa u badnaayoo
Wayna boorinayeenoo
Way baraanburayeenoo
Way barooranayeenoo
Bombadey ridayeenoo
Haruud bay ifiyeenoo
Ragga way ka badnaayeen
Beena maaha warkaasi
Dahabkey beecinayeenoo
Bulshadey kiciyeenoo
Warkay baahinayeenoo
Bishaaradii barigaas
Qalbigeena ka buuxday
Boholyow baan u qabnaayoo
Jabuutay ka bidhaantaye
Ilaahow biligtaa yar
Maanta hayga baqtiinoo
Baryaheena ajiibeey
Allaha Baaqi ahoow
Boqorkii na abuurayoon
Baryihiisa jecleynoow
Badbaadadeena lahaayoow
Birimo Luulyiyo dowlad
Baahi baan u qabnaayoo
Baryo way naga raagtaye
Jabuutay ka bidhaantaye
Ilaahoow biligtaa yar
Boolyow baan u qabnaaye
Maanta hayga baqtiinoo
Baryaheena ajiibeey
Allaha baaqi ahoow
Boqorkii na abuurayoon
Baryihiisa jeclaayoow
Badbaadadeena lahaayoo
Bulugley ina siiyoow
Bushigii nagu raagay
Maanta aan ka biskoon
Boogtu ay dhayantaayoo
Laysku soo bururaayoo
Bogga lasyku qabtaayoo
Bushigeeni la waayoo
Baraaraheeni ka yeeleey
Iyo bishaaro wanaagsan!

Burburkii Baladkeena

Gabayga soo socda wuxuu gabyaagu ku cabbirayaa dhibaatada dalka iyo dadka Soomaalida ku habsatey, kaddib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed, adeegyadii bulshadana baaba'ay. abwaan Abshir Nuur Faarax isaga oo arrinkaa ku muujinaya dareenkiisa waddaniyeed, waxaa uu halkan ku soo bandhigayaa gabaygaan, isagoo hab su'aalo ah ku tusaaleenaya arrinkaa:

Burburkii jabhaduhu ay badeen baladki aan joogey
Iyo baalihiisaba qalbigu way balbalayaaye
Ma badbaadin karin ciilse waa bogatey laabteydu
Boqolkiiba toban aan ifiyo ba'iyo hooggiiye
Ha ku bakhiilin adigaa bartaye bogogga taariikhda
Immisaa busaarad u dhintoo beerku kor u xoodmey?
Immisaa taleefoon baryaa bari kastaa sheega?
Immisaa dabkaa iga bakhtiyey ugu bariiseeya?
Imisaa aroortii baxdoo biilku ku cuslaaday?
Immisaa bashuuqsada xaaraan aadmi laga boobey?
Immisaa balqinayoo ilmaha baahi ku abaadey?
Immisaa bariis doonahoo turubka baandheeya?
Immisaa marwoo bilic lahayd fuqur basaaseeyey?
Immisaa bacluushiyo1 abqada baad ka dhiganaya?
Immisaa bed qaboon baahi arag baqatin mooyaane?
Immisaa nimcadii ay barteen wali u booyaaya?
Immisaa Banyaamiin u galay baahi waa cadawe?
Imisaa sanduuq baalashiyo baco la rooraaya?
Immisaa labo ka badin waydey inay buush isku aroosto?
Immisaa indhuhu bohol galeen baraxna loo waayey?
Immisaa bunruug iyo wadaad baadilku adeegtay?
Immisaa bukaan socodohoo cidina baareynin?
Immisaa adeegii bulshada baabah laga yeeley?
Immisaa batrool iyo dab iyo bacadle jiiraan ah?
Immisaa biyaan cabid laheyn cuduro beeraaya?
Immisaa xalaashii bannadoo bililiqow jeeda?
Immisaa Ilaahey baryihii kaga badbaadaaya?
Immisaa waxbarashiyo nidaam baylah laga yeelay?
Immisaa khudaar boloshey cuna baahina u gaysay?
Immisaa ilkaha hilib baroon marakan boolyoobey?
Immisaa nin beri hore ladnaa biilki ku cuslaadey?
Immisaa bariis dhaxag le iyo bur iyo shaah waayey?
Immisaa ka baaqdoo hurdada beerka dhiganaaya?
Immisaa dhilmaanyo u bukiyo bahal calooleedka?
Immisaa intay bari qabteen doonyo laga buuxshay?
Immisaa tahriib ba'an gashoo badaha loo daadshey?
Immisaa saxaaraha Buney ruuxu kaga boodey?
Immisaa la beecgeeyey kuwo baahi ka ordaayey?
Immisaa Quraanki ay barteen Baybal kaga booday?
Immisaa bahdalan oo ku nool bowdka cadowgeena?
Immisaa dhalaan booyayee badaha loo tuurey?
Immisaa saxaaraha bilqanoo baahi ku aqsoobey?
Immisaa bilcaan dhiig baxdaye fooshi kaga boodey?
Immisaa dhallaan bilic lahaa badan madoobaadey?
Immisaa aqoon yahan ku ba'ay baladka aan joogno?
Immisaa baryada lagu fongorey baahina u geysay?
Immisaa bac qaad lagu sitiyo haaf ka badin waayey?
Immisaa bulshadu kaarahdoo badankii door soomey?
Immisaa ku biirsada qadada baradho duugowdey?
Immisaa la baafinayayaa badina loo duugay?
Immisaa bushi aan laga dawcyn bcydka kula dhuuntay?
Immisaa wax laga baahan yahay badaha noo jiifa?
Immisaan batrool iyo macdano aan la bixi weynay?
Immisaa ku biirsada shaxaad kuna badbaadaaya?
Immisaa badeeniyo biriga naga baryoodaaya?
Oo cadowga loo beylah shiyo Banuu Israa'iilka!

Lacag Been Abuura

Kaddib markii ay dalka ku soo badatay lacagaha layska soo sameesanayo oo been abuurka ah, markii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed burburtey ayaa gabyaagu mariyay afarraydaan gaaban, waayo waxaa arrinkaa ay sababtey inuu Shilinkii Soomaaliya hoos u dhaco, dhaqaalihiina uu raad weyn ku reebo, gaar ahaan dadka danyarta ah ee u badan dadweynaha Soomaaliyeed meel ay joogaanba:

Abwaaniintii qarankaa tixdaan soo agaasimaye
Abshir Bacadle kuma koobna iyo erayadiisiiye
Afhayeenki shacabkaan ohoon cidi ogsooneyne
Markaan uur kutaalada arkaan ku anfariiraaye
Ashtakaan Rabbiyow kaaga nahay labo ammuuroode
Lacag been abuurahoo shacbiga lagu isbaareysto
Oo lagu afduubaayo oo lagu akhseysiiyo
Oo aan ixsaan loogu falin oonna laga qaaday
Amxaaradiyo noogama duwana dad u adeegaaye
Aqal waliba inay duminayaan waad ogsoontahaye
Rabbiyaw abaalkooda mari haw ixsaan faline!

SHIRIB

Adduunya waa aruursateen aUase kaaga aalimaa!
Sida bagaash bakaara yaal bil kasta beesa cusub keen
Bililiqaa banneysatee shacabka baahan boob ku qaad
Carunya dhiigdadaa cunteen laguse caafimaadimaa!

Ina Cigaal Bohoshi Loo Aasay

Gabaygan waxaa uu Abshir ku weerarayaa mudane Maxamed Ibaraahim Cigaal, Alla ha ha u naxariistee iyo hoggaankii uu horseedka ka ahaa ee gooni isku taaga Soomaalilaan, waxaa uu abwaanku ku eedeenayaa arrimo badan oo la xiriirta taariikhdii siyaasadeed ee uu soo maray mudane Cigaal, laakiin waxaa iska cad waxaa abwaanka ku bixiyey weerarkaan aan geed ku gabasho lahayn ee uu ku qaaday Cigaal iney tahay ka dib markii uu wada shaqeyn isla sameeyeen maamulkii uu hogaaminayey Cigaal iyo maamulka dowladda Itoobiya oo uu u dhiibey sida la sheegey niman dhowr ah oo ka soo horjeedey Itoobiya iyo falalka ay ka waddey dhulka Soomaalida deggen tahay ee iminka raacsan siyaasad ahaan Itoobiya kuwaa oo ku badnaa qabiilka Ogaadeen, oo ka tirsan jabhaddii dhaqdhaqaaqa xurnimadoonka Ogaadeen. Waxay ahaataba waxaa tixdaan ka muuqata degdeg iyo aflagaado iyo cay ku socota Maxamed Ibraahim Cigaal oo loogu gafayo diintiisa, sharafkiisa iyo dadnimadiisaba, waqtiga la mariyey gabaygaan waa mar ay labada qofood ee Abshir iyo Cigaal noolaayeen Ilaahey ha u wada naxariisto, waxaana uu ku bilowdey gabayga sidatan:

Nin hadduu asaasaqoo balwada lagu alhuumeeyo
Asalkana nifaaq kaga jiroo diini ka idlaato
Aakhiru cumrihi buu kufriga la itixaadaaye
Shaqaawadu Amxaariyo Yuhuud ma oggoleysiisey
Afka mowgu dhacay ina Cigaal1 bohoshi loo aasey
Afti aan loo dhammeyn qoys barkii ma ugu eedaamey
Mar haddaan Sanaagna oggoleyn Soolna ka afeeftey
Oo Awdal diidoo Suldaan Maxamed eedeeyey
Oo Habar Jecloo uu ku amranaa ka anfariireyso
Abaalna uuyan Ilaahey u dhigan odaygu waa faashil!
Shan halood ilowdaan ninyahow kuu ifinayaaye
Adoo ariga may naga gadataan Carab ku eedeeyey!
Oo qoyska may aqoonsadaan ku aflagaadeeyey
Internaydka waa lagu hayaa erayadaadiiye
Ninka ammaaney Aariyan Sharoon adiga sow maaha?
Iimaan khalkhalay towbadaa lagu adkeeyaaye
Dastuurkii Ilaahay ninkii loogu ohol waayey
Oo culumadii ku afjigoo xaqa ku eedeeyey
Idaacadaha waa lagu hayaa erayadaadiiye
Alliyo Nebi abaal nimaan u dhigan adiga sow maaha?
Waayeelka aakhiru cumrihi belada oogaaya
Oo calan astaan qaran ahaa ololiyoo naarey
Oo Soomaali kala oodayoo kala edgeynaaya
Unita1 iyo kooxdii Garaan adigu sow maahid?
Haddey gabari aqal kuu dhistoo arrina kuu soocdo
Oo owrka dhaanshiyo ratiga adiga kuu heegto
Ayaan aan fogeyn bey misana ku inqilaabtaaye
Adigow bareeraye rag waa ka istixyoodaaye
Israaciyo astaantii midnimoo lagu ijaabeystey
Ninka iloobayoo nagu inkiray adiga sow maaha?
Ayaamahaagii qaar baa madow Ina Cigaaloowe;
Inaad akhasu naas tahayna waan kuu ifinayaaye
Es.En.Em-tu waagey duqii la ijtihaadeysey
Oo qaaraanka loo ururin jiroo ahalku naafoobay
Iskaba daa ixsaan iyo wax qabad aad u fidisaaye
Isirkiisi odaygii inkiray adigu sow maahid?
Dad yar baa og aahada qarsoon ina Cigaaloobe!
Arxanna malaha taariikhdu waa oday ka sheekeeye
Aflahaarayaal kaa ku jecel iima qariskaaye
Ninka En.Ef.Dhii aasoo anbiyey adiga sow maaha?
Axdigii qaran aftidii labada gobol ku itixaadeysay
Aasaaska wixii lagu dhigoo lagu ijaabeystay
Ma ahayn Isaaq iyo Dir iyo Iriryo Daaroode
Ma korneel Ujuukaa1 tihiyo odagi Bii'aafra

Afarta bayna jiho maalintii irid laguu diidey
Oo aad ilmaha saarsataye oodda jabineysay
Ciisuhu Isaaq waxuu u galey waad ogsoontahaye
Tixdii Qaasin ku amaanayoo uga abaal sheegtay
Adduunyadana wada gaadheybaa ka inkireysaaye
Afkaa Geelle kula hadashey waa kuu aqoon xumiye!
Dib nimaan waxba u eegahayn adigu sow maahid?
Ogaaadeenku waagaad qaxdeen waydin urursheene
Afxumadiini kamey aarsanoo waa gob uumugule
Abaal laawe taariikh madow adigu sow maahid!
Iimaan la'aantaadu waa oday ka soo gaare
Interneydka waa lagu hayaa ereyadaadiiye
Wadaadadii Ogaadeen ninkii barigi iib geeyey
Amxaarkana ka gaday Maxamedow adiga sow maaha?
Halka gabaygu ila aadayiyo ereyo ii muuqda
Afkaan kala xishoodoo ma rabo uur ku taalada'e
Intaasaan ku soo ururiyaye erey ka beeneeya!

Geenyada Asaaggeen La Tagey

Gabaygaan gaaban ee soo socda sida ka muuqata waxa uu Bacadle tiriyey ka dib markii gabar uu rabay inuu guursado, aabbaheedna ka dooney, laakiin aabbihii ku xiray in la sugo walaalkii oo gabadha adeerkeed ahaa, sidaana Bacadle ku qancay, balse intaana imaanin adeerkii la sugayey ayaa odaygii nin kale siiyey gabadhii, ayadana sidaa ayey raali ku noqotey, oo ay u noqotay nin kale xilihiisa. Abshir sidaa ayuu ku waayey gabadhii uu jeclaa, isla habeenkii uu dhacay gabadha nikaaxeedii ayuu tiriyey gabaygaan, ka dib markii uu soo hor maray nin ay saaxiib ahaayeen gabadhana ay qaraabo la ahaa.

Cumaroow afkaa xada war kii uurka kaa gala'e
Rag ninkii dib waxu eegayay eedi qabataaye
Axdi ma leh adeerkaa afkeen waa isku amaane
Arrinkaan isla ogeen xalaa ooda loo rogaye
Gaynyada asaageen la tagay odogunow heegay
Irdo xiratay oo waxaan aqbalay sabar itaal waayey
In hooyo dilidiinu waa odey ka soo gaare
Arrinkaan inkiri jirey hadduu soo if baxayaaye
Allow aaney ehel kala go' iyo aafo nagu reebin!

Bariiskayga Eebbaa Hayee

Abshir Bacadle, Alla ha u naxariistee, waxaa uu guurowgaan gaaban tiriyey noloshiisa markii uu ugu dhaqaale xumaa, uguna xaas badnaa:

Bayd ijaara biil iyo korsocod bahasiyeed gaarey
Intii beled carruur tii rabtaan baadi goob ahaye
Burjikada waxaa iiga daran bariba nooc kooba
Bariiskayga Eebbaa hayee baqana ii dheere
Baddal khayr leh waxii naga bixiyo baaqi barakooba

Shirib

Burjikaan biil usoo jarshoo ka baxey baab siyaasadeed
Boqorka bad muggeed baxshoow baraka beeca noogu yeel!

Amey Been Naqataa (Guurow)

Waa guuroow uu Bacadle ku weerarayaa qolooyinka dariiqooyinka ah, laakiin waxaa gabeygga ka muuqata in abwaanku uu cabbirayo dhibaatooyin bulshada dhexdeeda ka jirta gaar ahaan Suufiyada iyo qolooyinka ka soo horjeeda oo uu ku muujinayo heer dhiig daadanaya isaga oo aan soo bandhigin xal iyo ififaale nabadeed.

Wadaadka baabuurta watee
Bandiiroodhinka taagtee
Inta baasha ka roogta
Isagoon wax baraynin
Bunya canbuulo ku haystee
Burdayaal madmadow iyo
Bustayaalka u dhiibtow
Maalinkaan basanbaasnoo
Buunka lamaad la afuufoo
Banka qiyaamo la joogo
Waxaad noo ballan qaadday
Amay been naqatahood
Hadhaw nooga baxdaa!
Buddii abkay boqol soonna
Bishow xijaabtay bisheedi
Waa ku soo burur naahoo
Boqolaan ku dil naahoo
Idinkaana banneeyee
Waxaad noo ballan qaadday
Amay been naqataahood
Hadhow nooga baxdaa
Bidci waa la dilaahoo
Butuli1 looma yiraahoo
Qasaa'idkaan burqahaayo
Midkii baadil ku sheega
Ninka bilaawe ku booba
Bahdiisii qabsameehoo
Anigaa bixi haayoo
Waa badbaadi karaana
Amay been noqataahood
Hadhow nooga baxdaa
Amaase balaayo dhacdaa hoo
Unukoo barqo joognoo
Afar neef la bireeyoo
Bunya canbuulo la haystoo
Qasaa'id aad burqahaysid
Buhuu bahaada ku haysid
Wacaysloo1 bururaaya
Galmaaxoo barbar taagan
Iyo Daa'uudoo birmahaayiyo
Bar kaloon la kaseyninoo
Isu buun dhabahaaya
Birta laysku qasaahoo
Sheydaankii badar joogee
Sidaw been u dhuraayay
Muggow bidhaanta arkaayay
Dib u sii baqahaayoo
Buqnihiisa ku rooroo
Ilaahaan ka baqaa iyo
Innii barii un lahaa
Barkaas aad naqataahoo
Adoo sii baqahaayoo
Busta sii kici haaya
Igaar baarka cadeystoon
Ebedkiis beled roogsan
Billaawe owla kudaahoo
Caloosha baaxada weynle
Baqtiga aad ku gureysid
Birta kaa galiyaahoo
Buqnaha kaaga jaraahoo
Indhaha kaa bajiyaa
Ununa aan baranaa!
Nintiisii bixin waayay
Jannadow balanqaadey
Inay been naqa heysoo!

Booraan Ibliis (Guurow)

Guuroowgaan waxaa uu ka mid yahay maansooyinkii ugu caansanaa sannadihii siddeedamaadkii ee uu abwaanku ku kale caddeenayey sunnaha iyo bidcada, towxiidka Alle lagu baraxyeelo iyo khuraafaadka dadka qaarkood iska maleegtaan.

Bismilaahi waa magac Alloo lagu billowdaahe
La bax hadalka gabaygayga wa lagu biskoodaahe
Muqadamada1 baro goor dhowaan kaa bajinayaahe
Balaaqada af Soomaaligoo gabay bayaankiisa
Waa boqol tixood iyo sagaal boorka ka ilaalsha
Baallaha toddoba roogsataa Bi'iya deel qaafka
Bartamahana waa tomanya koow lagu bineeyaahe
Ba'daan saaro beydkaan xadfiyo bidixu laadkayga
Buundooyin gaagaabanoo Buqunadow daarsha
Iyo baabka laga soo galaa Baratilmaameeda
Goortey madkuhu1 ii baxaan waa bedelayaahe
Inaan boolyey how qabina waa bixin Ilaaheeye
Mana baawsanine waa hibaan laga bakhiileyne
Balwadna uma iilee xaqaan jid u banneeyaahe
Caawana bidcada iyo sunnaha buuqa laga taagey
Inaan kala baxshaan doonayaa weysku baraxdeene
Baraawi iyo Booyaaye1 iyo Buube iyo Suufi
Barkhadliyo barkaan iyo ulaha baali laga keenay

Bakooradaha shiikh Nuur Xuseen' Baladul Amiinka
Busuri iyo2 Jiilaani iyo2 Boqolo-Soomowga
Badawi iyo Shiikh Ceydaruus Badaha nuurkooda
Inta bacadka kheyr qabe idaha lagu bireyhaayo
Oo barako loo doonahaa Badaha reedoodda
Anna gabay inaan baahiyaa wey bannaan tahaye
Ilaaheyna boogtaan dhayaa Wey biskey jiraye
Wadaadow bidcadan iyo sunnaha Buuqa laga taagey
Inaan baaritaan suubinaan uga baxey naahe
Wax yar inaan bidhaan shaan jeclahay saad u baratiine
Waxaan soo buruufaba 'haddaan Boontigii helaye
Mehey baladu naga raacdayaan sou bandhigayaahe
Balwaddii dariiqoodhinkaa baraxday diintaayna
Muggaasey u sii kala bexeen Boqol ya dheeraade
Midaa yiri war aan kuu bandhigo Beenu raad malehe
Burjikada ninkii lagu dhiboo Biil ku waa jibayo
Inoow badar u jeriyaa ilmaha wow banaan tahaye
Adiguba badrooleyda iyo beeca kama taalid
Aniguna bukhuurkiyo xadrada baahi kuma joogo
Burdihiyo manaaqiibta waa lagu bunaystaahe
Waxaan deyn ka bixiyaahu waa bilaha mowliidka
Inta kale waxaan balaqsadaa biilka kamaroona
Bakhti naqatayee iyo xalaal iigu badateeba
Ilaahey mohow igu baxshaba nin iyo beertiisa
Waxaan iri war aan kuu bandhigo beeni raad malehe
Adaa booli quutoo ku nool baraka soo dhiibe
Ballamoow Ilaah qaadayaad beeni leedahaye
Waxaan guriga hiirta' uga baxay ma'ahan baashaale
Anmaa baaga muudaa ilmaan bill u jiriyaahe;
Midaa yiri salaadaha barkood looma baahana'e;
Inaad beerdareysaa hurdada waa badownimo'e
Baradka iyo dhaxantuna jirkey kaa bedelayaane
Bidco iyo axkaanleydu waa bukhalo diimeede
Raaxada inaad bogatidey kaaga ba'ayaane
Sidaan anigu kuu baro qabsoo beeni hadal kooda
Bil ka seexo beri soo qalley Boqolya dheeraadka
Ama Beytullaahiga catiiq boqorka weydiiso.
Sii buube soo buub hal saac kaaga bada meehe
Waa boqolkun lammadii ragcoo bixisey daynkiiye
Bidco gerer xummaa joogta oo Baraka diidyaahe
Abidkeyba kama soo bexeen weyga buriyeene
Midaa yiri waxaan bixi rabaa beri isniinaade;
Inaan nabiga baadshaan rabaa Soona barakaysto
Haddaanse beytullaahiga catiiq beriyo soo joogo
Bidco gerar xumaa sheegtayoo baraka diidyaahe
Shiiqoow sidaan uga baxsaa waa ka baqayaahe
Woxow yiri anaa kuu bandhigi baratilmaameede
Basarkooda heerkaan aqaan waa bedelayaane
Bara1 iyo Ancaam iyo haddow Baqara kuu sheego
Haka baranin diintooda waa lugu bidcaabaahe
Bismilaahi goortay dhahaan booba kabihiina
Beer laxawsigoodiyo ha'arag baarinimadooda
Ayagoo Asleynkii bartey kuu bedelayaane
Bidcannimo waxaa iiga roon banu Israa'iil dheh;
Midaa yiri Bukhaariga ka hera oo burdaha qaadha
Bakhuurkiyo xadrada noo camira barako weeyaane
Barbariiqsi geedaan jeclahay bahan isku buuskaahe
Bartamaha muggaan roogsadiyo baala dhugadkeyga
Bulaanka iyo yabaqiyo habraha burur la taahooda
Bidcadaan ku guulguulayaa yaaney soo badane
Burhaanteydu berigey kacdoon buunka dhabahaayo
Burji adag inaan leeyahay iiga baqayaane
Rooxaanigey igu barteen biriq gemow gaahe
Bidci iyo bakhiilkaan iraa barako soo dhiiba
Iney hadalka igu beeniyaan uma bareeraane
Kolley walax bartoor waa baxshaan boqolba haateehe
Xaa jira buruudkeygu1 waa baahi cadowgeera;
Midaa yiri burhaanaa jirtiyo barako noo gaara
Waxaan iri baraahiin cad keen beeni raad ma lahe.
Intow baybal soo qaatayow baal ka soo rogaye
Ibraahiim in Shiiq bixiyayoo naar ka bariyeelay
Wamaa baradat niiraaniyow iila soo baxaye
Bixaarta iyo duufaanadii berigi nuux joogay
Waagii naflaha loo boqoo doonta laga buuxshey
Inow Shiiqu beri yeelayow iila soo baxaye
Bahyartiyo markii Nabi Yacquub Yuusuf laga boobay
Banyaamiina laga daba dhigoo oow indhaha beelay.
Bajaq inow ku siiyoo candhuuf Shiiqu beri yeelay
Wamaa Bari'at Caynaahuyoow iila soo baxaye
Anna waa ka beensadey marabo Baybal suufiyo'e
Iney aayad beensheen ma'oga baraka beeloodhin;
Midaa yiri bidcada lama yiraa saad u barateene;
Hadba meesha loo badan yahcy barako taallaahe
Boqolkiiba toman maahidiin badana meysiine
Arooy baal ka raacoo dadkaan buuqa naga deeya!
Birtey idinla wada goobayaan bah Ina Guuleede1
Waxaan iri bidcada lama yiraa saad u barateene
Hadba meesha loo badan yahaad biilka dayatiine
Bicthatu naarku weligoodba waa naga badnaayeene
Ilaah boqor ahaan leenahoo aan ka baqanaaye
Adigaa nasiibkaa ku baday bah Ina Guuleede
Booraan' ibleys kuu qodoo bohol ka sii jeexay
Oo naarta laga buufiyoo bari u sii jeeda
Oo baahidiyo oonka aan maalin laga baajin
Oo bahalo lagu soo salliday biisha hilibkiina
Oo baadinkeediyo dushaba ba'ay ka yeerayso
Oo shaqiga baadsheystey iyo suufi laga buuxshey
Ilaaheyna naga soo baxshaad barako moodaane
Haddii been lagaa soo gatoo barax lagaa iibshey
Inaad bohosha igu jiidataa ba'iyo hoog kuu leh;
Midaa yiri nafcanalaahu bihi Baybal suufiya e;
Midaa yiri biyooley1 xajaan ugu bexeynaahe
Bidcaa nugu qilaaftee ma jiro baab mancinayaahe
Bakhiil iyo kitaab baalcad iyo carab batrooleeya
Inkastooy dadkii buub sadeen barako beeloodhin
Anna baal caddow raac hadoo layga baqi maahe
Iney walax barteen waa hubaa haba bidcaabaane
Barako iyo khayraadse maleh beeja qabayaalku
Iyaguba bariis koora waa buri yaqaaniine
Burhaantaayna xaa daba dhigiyo biiika gurigayna
Waxaan iri anaa kuu bandhigi bara tilmaameede
Banka carafo buuraha Makoo qaadir barakeeyey
Haddaad Baytullaahiga Catiiq boorso geliheysid
Oo aad Biyooley ku furi iyana baabwaaye
Adigoo gerkaagii beneday oo bir ku idleeyey
Oo shaaribkii kugu baxood bal iyo caws moodid
Cibaadada ninkii barax tirana baadil u arkaaya
Bidcanimana igu soo gaddaa iyana baab waaye;
Midaa yiri anaa beder ku jirey beenu raad ma lahe
Gaaladu muggay baqatayoon bililiqayseyney
Bidco lama aqaan jirin haddey buuqa kiciyeene
Abuu jahal intaan buubsadow boodayoo dhacaye
Birtii aan lahelayow mihii ii baraaqsadaye
Anna gaaladiiyaan bursaday iga baxsaayeene
Muggaan boqolya dheeraad dilaan baaritaan galaye
Illey Binu Mascuudaa1 dibkey baangad kala noogey
Baabkaayna lamma geli karoo baxarsitiin waaye
Bedriyiinta qaadiriyo waa boqolya dheeraade
Mid haddow ka baxo ama banjaro ama bidcowmaago
Baas malaha weli boor lahaa loo beddelayaahe
Baabkayna lamma geli karoo Baxarbuxuur waaye
Mid basaasanoo boor lohoo baahi la ciroobay
Oo baabuurta hoos jooga oo beesa jirihaaya
Oo Baasajeeriga yiraa barako soo dhiiba
beder ku jiisaa bayaa badaneyaa hee og
Waxaan iri war aan ku bandhigo beenu raad ma lahe
Wadaadyohow dadaa buubay iyo sheeko baraleyda
Siirada muggaad baratidaa laga biskoodaahe
Bedrudiinka nabigaaynu waa boqorki owlyaade
Bacdigina Abuu Baakaraa baraka non roone
Oo birimo noo qaatayoo booski roogsadaye
Waagii hijrada1 loo baxoo lugu basaasoobey
Bacadka iyo caga gubashadiyo baahidiyo oonki
Buur qaraxa fuul bohol galey baqo u dheerayde
Abidkood ma buubine dhulkey boorka kiciyeene
Baabacada ciiddey dhigeen beenu raad malahe
Baryahoodiyaa laga aqbalay barax la'aaneede
Ilaahey sidii laga bartey uga badbaadeene
Haddey buubi karayaan dhibkaas uma bareereene
Basharnooga khayr badan ilaah nooma soo bixine
Bacdi goor dadaa buubey waa sheeko baralceye
Arooy beenta naga deeya iyo borobogaankiina;
Midaa yiri cilmiga baadinkaa waa ku baramoosey;
Inta kalana baramaa minii lugu bidcoobaayo
Waxaa aniga laysoo bandhigay boqol jibbaarkiisa
Middaa yiri intow biirka baday waa biyoo kale'e;
Middaa yiri rishwadu waa baqshiish weysan soo barane
Middaa yiri aniga booli qaran wey banaan tahaye
Maxaa yeelay waa beytumaal ' waana baahnahaye
Midaa yiri bashuuqsada cunnada bariga soonqaadka
Midaa yiri Sakada yaan la bixin xoola bi'iskiina
Midaa yiri Ilaah laga baqaa waa badownima'e
Midaa yiri sagaaley bannaan wada bikaaraahe
Bilmiddaan la seexdaba misana waa baddalayaahe
Bacdigeyna kii guursadaa waa ku ba'ayaahe
Intaasoo beliyo baasohoo boqolyo dheeraada
Bidco uma taqaaniine waa baha wadaagtiine
Baandada gabowdee xadrada baala dhabahaysa
Waxey nugu bidceeyeen xaqaan baranaysow maaha
Iska booba caamada kolley weyga badateene
Anna boqol tixoodaan nadroo boogta dhimihaaya

Shirib

Wax buuba barakaad mudiin barkoodse baqtigey cunaan
Mineednaan baadil baraneyn banaanka maa u soo baxdiin!

Baqaratu Daaxika

Waa gabay uu ka tiriyey abwaanka isku daygii laysku dayey in la dilo madaxweyne Maxamed Xusni Mubaarak ee fashilmey markii uu booqanayey dalka Itoobiya, abwaaanka waxaa uu cabbirayaa uga yaraan sida u u jeclaa in qorshaha fashilmey ay fusho:

Cakuye Bii.Bii.Sii waxaan ku nacay hadal bar gooyaahe
Baqara Daaxikaa shalay baxsaday ma aha beentoode
Habkii baqada iyo waxay qarsheen balow cabaadkiiye
Basal inuu hunqaacoo waliba, ban iyo xaar seyrey
Wuxuu baqiyo dhuuso isku daray baahin mahayaane
Beerkiyo wadnaha ugama dhicin biiri qaatahaye
Bartey kaga wadeen sow qadari baal ugama leexin
Baddal khayr qabaan dhihi lahcyn Bucur Baceyrkaase
Muxuu shaqi bulaaliycy Rabbigii baqarka sii daayey
Waa Bani lsraa'iil fadhiya, beyd aan lcenahaye
Baaqiyadii Fircoon wabiga Niil waa ku badan yiine
Mar dhawbeyse baabi'i xunbada sii bashiiq lihiye
Inaan mowdka laga baajin karin bahalka yow sheega
Basar xumadi labaduu badaley1 buu ku soo baxaye
Bushi u dhimatayaa iyo rasaas kugu bashkaaxecba.
Booraantii Saadaad galaan kuugu bishaareeyey
Bi'sal qowmu iyo waxaad u tegi boqorki gaabnaaye.

Sidii Bahalkii Loo Dilay

Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle wuxuu tiriyey tix geeraar ah oo uu ku cabbirayey isbeddelkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay hormuudka u ahaayeen Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya bishii Maarso 2006dii wuxuuna yiri:

Sidii bahalkii loo dilay
Burcadiina u yaaceen
Baandadii Talyaaniga
Iyo Burtiqiiskina u qaxay
Boogtiina loo dhayay
Baras-kiina loo gubay
Beledkaani waa nabad
Jidku waa baraxan yahay
Balaayo iyo baas ma leh!
Safar baad ka qaad ma leh
Baabuur la dhaco ma leh
Baadda iska dhiib ma leh
Barmuudow jiraa ma leh
Iyo Buurka Diikow ,
Afarta Daay ka baar ma leh,
Seybiyaano gey ma leh,
Iyo Bohoshi sheydaan
Moobaylka bixi ma leh
Bowdyaha ka jebi ma leh
Bagsii iyo Baroon ma leh
Bagadi soo qafaal ma leh
Beesada ka qaad ma leh
Wadaad beecintiis ma leh
Gabdho-buurashadii ma leh
Isbaaro iyo tuug ma leh
Leejo iyo baad ma leh
Baatigiyo Suudkaba
Banaankaan ku waranaa.
Gurigu waa balaqan yahay
Banaankaa la seexdaa
Beel beel ku duushiyo
Hoogay iyo Ba'ay ma leh.
Qashin buuro weyn ma leh.
Hoggaamiye Butucay ma leh
Boqorkaana mahada leh.
Bacdigina Maxkamadaha
Iyo shacabkii soo baxay.

Nadaafadda Muqdisha (Shirib)

Shirib gaaban oo dhowr tuduc ah oo uu abwaanka rabo inuu kaga qayb qaato wax qabadka bulshada gaar ahaan nadaafadda iyo bilicda magaalo madaxda dalka Soomaaliya oo qashin la ciir ciireysey kaddib markii uu qarankii dhexe burburey meeshana ay ka bexeen wax qabadkii dowladda hoose.

Heysku haleynin hay'adee, hormuud u naqo howlahaan.
Qashin ku qaate Qandaraas in laga quusto waa quneed.
Isku xilqaanka xaaqidaan xaq iyo xushmadey aheyd.
In loo dadaalo danta guud duf ku bax ruuxi diidanow.
God u qodaa iyo qiiqisaa qof walbow qashinka iska qaad.
Niyadda ha ka nicinee ku nuursada nadaafadaan.

Tawbada Ha Seegin

Gabaygaan Abshir waxaa uu la hadlayaa Shiikh Cali Cilmi Yare, oo ka mid ah culumadii deggaanada Mudug ilaahey ha u naxariistee, oo qeyb weyn ka soo qaatey faafidda diinta Islamka gaar ahaan isku xirka bulshada Soomaaliyeed, isagoo u soo jeedinayo talooyin waano ah kaddib markii uu dhaliiley abwaanka habka uu shiikha iyo kooxdiisa ay u dhaqmeysey ayaa waxa uu tiriyey gabeyga soo socda horraantii sideedamaadkii:

Ilaahayow Tawaabow adaa tuugmo ku habboone
Cidkaloo wax ii tari kadhaa waa tu'aan jirine
Taageeradaadaan Rabbiyow tabar ka haystaaye
Allow tubaha kheyrka le imari waan ku tuugsadaye
Oo towbad li'i haygu dilin taa'um bey darane
Oo towfiiqda adigaa hayee talada hay seejin
Ilaahayow tolkey ima nebcoo wey tix geliyaane
Waxeyse maanta noo taagan tahey taad ogsoon tahaye
Waxey igula taliyeen inaan mayd la tuugsado e
Oo aan Xabaal tiiriyaad xoolo soo tubo e
Iblays tab iyo xeel garanayey talo ka qaataane
Towxiidka kuma doorsan karo tacalum shaydaane
Wexey igu tilmaamaan inaan tuurey nabigiiye
Kuwoodii tabcadayoo horaan taakulayn jirine
Taageeradaydey Rabbiyow tuhun ka qaadeene.
Wuxuu yiri tafsiirkiyo sunnaha Ahalu-Towxiidka
Tuuryeeya Xaramayn kibaa looga soo tagaye
Baddey soo taUaabeene yey ina tahluukeyne
Haddey nagu tarmaan nimanku waa layna tirayaaye
Toomaha kuwaan kula jirnay qaar la tegayaane
Intey tobanka gararka le yihiin towrada u dhiiba
Ama naga tumaatiya ducaan toobinahayaaye
Todobaatan weli oo qabrida loogu tegi waayey
Oo Caro la wada tiicayaa laylkan ii timide
Sidaan idin tusaaleynayey talo ku gaareene
Anna tookadaydaan hadliyo tamaradaydiiye
Waxaan iri Iblays taladi iyo tab iyo xeeshiisa
Iyo taaqad yaridiisu waa taan ogsoonahaye
Haddaad toban ka soo cabatayood Towrad ugu yeedhay
Todobaatan iyo dhowr kunoo ahalu towxiida
Oo aan Tafsiirkiyo sunnaha kaaga turahaynin
Ilaahayna taageerayaa taabka kuu qabane
Insha allaahu kaa takhalusee towbadda ha seegin
Wuxuu yiri nin taariikh lahoo teedan baan ahaye
Wuxuu yiri markaan tabar galaan aadami toosiyaye
Wuxuu yiri ragga itaabacaa naar ma tegayaane
Wuxuu yiri haddoon tabar dhigaan taahayaa weliye
Waxaan iri ibliis taladi iyo tab iyo xeeshiisa
Iyo taaqad yaridiisu waa taan ogsoonahaye
Ragga adiga kugu titrsanoo talada kaa qaata
Todobaadba waxaan kala baxaa kan ugu toolmoone
Oo ugu taqwada roon cilmina kaala soo tegaye
Markaasaad u taahdaa sidey eebo kugu taale
Car balkii nataabacay mar qura talo ha kaayeelo
Taariikhda dib u raaca waad nala taqaaniine
Tusaaley u tahay tii Makee towbada ha seegin
Inkastoo tub iyo ceelba aad calan kasii taagtid
Oo tuulo iyo beledaba aad inagu tuuryeysid
Ama aad tilmaan beena iyo taharo noo yeeshid
Oo towrad iyo shacabba aad ina tusaaleysid
Nin Ilaahey taageerayey tiisa noqotaaye
Towxiidku waa fidahayaa towbada ha seegin!

Taariikh Madow Lama Dhaxlo

Waxaa uu Abshir Bacadle mariyey maansadaan sanadkii 1993kii, gaar ahaan markii ay isku dhaceen ciidamadii Yunisoom iyo maleeshiyadii taageersanayd Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid, gabaygaana Bacadle waxaa ku qasbey si uu u qanciyo bulshadaas aanu soo sheegnay, waxaa uuna maansadiisa ku tusaaleeyey inuu isaga kala mideysan yahey la dagaalanka ciidamada gaalada iyo daan daasigooda, maansadiisuna waa sidatan:

Taariikh madow lama dhaxliyo tows aan kaa harine
Waxaana laygu tirin jiray kuwii tuhunku saarnaaye
Raggii faraha lagu taagi jirey toobad keen noqoye
Tol la'aani waxay leedahay malaha taabteene
Tira buuxis ma ahine waxbaan idin tareynaaye
Hana takoorinina wacad allaan tiinki loo socone
Tawxiidka nagu maamuliyo tiirarka Islaamka
Tubtii nabiga mooyee Tastuur tacadi weeyaane
Nin Ilaahey taageerayey tiisa noqotaaye
Waxaanu marakan daba taaganahey talada Caydiide
Markuu taa ka leexdaana waan kala tageynaaye!

Tii Allay Noqon!

Gabaygaan waxaa uu soo baxay 22kii Agoosto 1996kii, kaddib markii ay kala boodeen labada hoggaamiye beeleed Cismaan Cali Xasan “Caato” iyo Maxamed Faarax Caydiid, waxaana halkan abwaanku uu ku cabbirayaa xaaladdii waqtigaas jirtey iyo sida ay u kala durkeen labadaas nin oo isku jeel ahaan jirey iyo hadaladii dhex maray labadooda, gaar ahaan hadalkii uu ku eed sheeganayey Cismaan Caato.

Nin tolkii ka tagayoon la tabin malaha taariikhe
lima dahaba toolmoon waxaan idin tusaaleeyey
Ma tafaafulniye waxaan ka tagay taliye jiitaaya
Tunka inaan ku sidey iyo inuu kali taxaashaayey
Taya inuu lahaa iyo inaan tayda la hor joogay
Tub cad inaan ku waday iyo inaan bohol ka tuuraayey
Inaan talada uga door bidiyo inaan tahluukeeyey
Tafta inaan cadaawe u qabtiyo inaan ka taakeeyey
Tafaruqa inaan keeney iyo talo inuu diidey
Tikniko inuu lahaa iyo inaan tayda la horjoogay
Waxaan tobon bilood gaarin suga tii alley noqone.

Salaf iyo Khalaf

Waa gabay uu abwaanku ku sheegayo fadliga salafkeenii saalaxa ahaa ee ay ugu horreeyaan asxaabtii nabigeena Muxammed, naxariis iyo nabadgalyo horkiisa ha ahaatee.

Tixdaan iyo tiraabtaan murtida kugu tusaalayne
Alla talada kuma seejiyee Khalaf ha taageerin
Tawfiiq aslama waxaa ku tagey Salafki toosnaaye
Iyagaa la tacasuray in badan Nabigi towxiidka
Iyagaa taabicu taabiciin lagu tilmaamaaye
Iyagaa thluthu miyadi helay sabanki tawfiikhda
Tubtii ay hayeen raac nabigay kuula tagayaane
Iyagaan tashwiishkiyo bidcadu taaban abidkoode
lyagaan ta'wiil iyo aqoon tacaddi diineede
Iyagaan Tacdiil iyo Tashbiih lagu dlmaamayne
Iyagaa Takfiir iyo Murji'o tuurayoo nacaye
Iyagaa Ilaahay tusiyay sharafka tawxiidka
Iyagaa Ilaahay ka dray tuhumo shaydaane
Iyagaa ka taxadaray bidcada khalafku tuugeystay
Iyagaan innaba lagu tuhmayn toobad seegnimo e
Iyagaa tub kaligeeda maray oon tafaruqine
Wax dibkood la taaftaafay waa towbad seegnima'e
Wadaad salafka tuhumeysta oo khalafka taageersan
Inuu toobad seeg yahay haddaan idin tusaalayne
Toddobaatan iyo labo firqoo ahalu towxiid ah
Oo tiih ku dhacay waa bidcada tarantay Shiikhoowe
Seddex tiro boqlaad tulutumiya taariikhda Islaamka
Wax dibkood Ashcari idinku dray ma aha tawfiiqe
Tubtii salafka waa naajiyee taa hala ogaado!
Allana talada kuma seejiyee khalaf ha taageerin;
Oo tuuryeeya waxaan uu Ashcari taxayo waa beene
Nimuu tiih ku dhacay baydin helay mana taqaaniine
Towxiidku yuu idinka burin tala mahaysiine
Inaan khalafka taageerno oo salafka tuuryayno
Oon tiir ka dhiganaa Ashcari tacaddi weeyaane
Kase toobad keen baa la yiri waana taa'ibaye
Toddobaatan iyo labo firqoo khalafka taageersan
Ineysan salaf ka toosnaankareyn taa ha la ogaado!
Tubcad adiga oo heli kariyo tiiraan jebi haynin
Haku turun turoon meel xunoo lagu tahluukoobo
Alla talada kuma seejiyee khalaf ha taageerin

SHIRIB

Salaf nin tuuray toobad seeg kumana taagna tiir Islaam.

Tikniko Tuugo Xanbaar (Salsal)

Gabaygaan waxaa uu abwaanku tiriyey mar ay ka soo hor baxday baabuur Tiknika ah oo ay saaran yihiin maleeshiyada qabaa'ilka qaarkood, isla markaana ay jirto lacago been abuur ah oo layska soo sameesanayo ilaa iyo haddana socota.

Talaan towfiiq lagu gaarin
Tikniko tuugo xanbaara
Taneenti tuugsi ku nool
Tubaha layska degaayo
Taraafikaan la maqleenin
Takhtaro tooda yaqaana
Taajir aan tuugsi ku dhiibin
Tol beelay aan wax tareynin
Ku tuuji lays tabi maahe
Lacag tubaalehe tuuran
Tuugana tiinbare saartay
Taariikh madowna geleesoon
Shacabka looga tureynin
Toban sanaan ku jirnaaye
Towfiiq Allow nagu toosi!

Shirib

Toban sanaa tubtii gafnee Ilaahow toosi tookadaan.

Cishqigan

Abshir oo xaas keliya qabo oo caruur uleh diyaarna aan u ahayn inuu naag kale ku labeeyo ayaa waxuu jeclaaday gabar kale, laakiin arinkii uma suura galin, dabadeedan wuxuu ka tiriyey gabaygaan gaaban.

Ilaahow Tawaabow adigaa tuugmo ku haboone
Ilaahow midbaan tabahayaa taniyo waagiiye
Allow iga tir meeshay kutaal waad u talisaaye
Allow ay candhuuf aan tufoo tuuro ii noqoto
Oo tayda ii geli cishqigan iga tan weynaaday
Allow aanan tabinoo ka yeel tuhuma beenoowday.

Kama Xoroobaan

Gabaygaan waxaa uu abwaanku tiriyey bilowgii 1982kii, waana gabay ku socdaa dariiqooyinka sida dariiqadda Qaaddiriyada, laakiin waxaana la oron karaa waa gabay uu abwaanku isku qaldayo culumada Suufiyada diinta faafisa iyo qolooyinka diinta ku qaraabta. Run ahaantii waxaa uu halkaan ku cabbiryaa fikradihii ka jirey waqtigaa qaar ka mid ah kacdoomada iyo ururrada Islaamiga dhexdooda.

Xaaraama cunayaashu waa xoogsi diidyada e
Xaq waxey u haystaan qabuur lagu xadreeyaaye
Xasaasiyadba ma lohoo shirkibaa xididadii gooyey
Haddii diinta xeer lagu beddelo kama xumaadaane
Xoogaa markii loo ridey dhab u xadreeyaane
Sayidkii wuxuu kula xarbiyey una xariiqeeyey
Weligood xilfey kula jireen xukunka Daaquudka
Oo wexey xalaaleyn jireen xeerarka ibliiska
Xaq la diido xaaraan la cuno kama xoroobaane
Xaniifiinta iney neceb yihiin kama xoroobaane
Xiddigaha iney faaliyaan kama xoroobaane
Xoolaha agoontoy cunaan kama xoroobaane
In ilaahey xeyn lagu daraa kama xoroobaane
Xertuna macallin koodey dersiga ku xushma dhowraane
Hadduu xarafka khalad ugu bedelo wey xafidayaane
Oo xaaraanta wow bari karaa shay an ka xirnayne
Xumaan culimo kaa soo gashane waa xujiyo yaabe
Xaqood qaadatiyo baadilkood xoorto mooyaane
Wallee xowlka Nabigaanad cabbin tima ku xayr weyne.

Xantayda Ma Moogiye

Gabaygaan waxa uu mariyey gabyaaga sannadku markuu ahaa 1993-kii, kaddib markii lagu eedeeyey inuu taageeray kooxdii uu hogaaminayey Janaraal Max 'ed Faarax Caydiid si qabyaalad ay ku jirto, taana lagurna helin Bacadle inuu taageeray ka hor iska horimaadkii Caydiid iyo Yunisoom, laakiin markii ay isku dhaceen labadaa dhinac ee aanu soo sheegnay, waxuu halkaa ku difaacayaa inuu ku saxsanaa taageerada uu u fidiyay kooxda Soomaalida ee uu hogaaminayey Caydiid, una badnaa reerka uu ka soo jeedo gabyaaga. Isagoo arkayey in taasi ay tahay mid sharci ah oo jihaada, tiigsanayana Fadwa uu ku jawaabayey Shiikh Shariif Cabdinuur Al-Muqbuli arrintaas.

Xigmaddiisu gabay waa inuu ximin ku joogaaye
Waa inaadan xeer kiisa jebin kuna xadeysaaye
Waa inaad xaqsoor iyo midnimo ku xakameysaaye
Xilli waliba waa inay nafluhu xarakadeeyaane
Waa inuu xul iyo sooc yohood xanaf ka dhowrtaaye
Waa inaad xaqiiqada runta ah xagaf ku siisaaye
Xal nabadeed si loo helana waa inaad ku xiiqdaaye
Waa inuu xasuus reeb yahoo xaada kiciyaaye
Xafladaad ka soo jeedisana xiiso geliyaaye
Xubbi iyo kal gacal waa inay rag u xanbaaraane
Xabbad weynihiyo nuxurku waa xarakadeeyaane
Mar haddaan lagaa xigan karayn xaabo kaanoqoye
Xikmad yahanka Soomaaliyeed nin iyo xeer kiise
Xoogaa tayo leh baan anigu ku xakameeyaaye
Rag uun baase been lama xardhee igaga xeel dheer e
Maxag jiro xaq iyo baadilkaan kala xujeystaaye
Xantaydana ma moogiye tolkey wow xanuunsaday e
Xarbigii ahliga kulama jirin xum iyo duulaane
Yunisom xasuuqeedi baa ila xaraaraadey
Xasidkeenu goortuu farxaan xaytay maradiiye
Haddaadse igu xamateen in taa waa xadgudubteene
Xaq waa lagu gargaaraa tolkaa baadilkaa xirane
Kamana xumi ninkeenii xag jira xaal halaga qaado
Afartaa halkaasaan ku xiray ximinka ley dheere
Xilligii gumeysiga wadadu nagama xeereyne
Nagama xayireyn wacad Allee tan iyo Xaafuune;
Maantana xaduudaa la dhigay xagarki dheeraaye
Balad Xaawo iyo Faafaxdhuun xoolo laga iibshay
Anoon gaari ku xanbaarinoo la xaragoonaaya
Inaan saaxil xera wayn u dhigay waa xasuusnahaye
Xiis iyo Maydh cidina igama xigin xararti dheereyde
Xammuul waxaan ka soo rogay Barbara Xamarna keenaayey
Xigta iyo shisheeyaba ma arag cid i xumeysaaye
Maantana xuduudaa la dhigay xamar dhaxdiisiiye
Xabsi kama duwana meesha ay nagu xareeyeene
Xalbaa nala gudboon iyo inaan xaqa abaarnaaye
Intiinaa la soo xuley afkaan ku xajinaynaaye
Haddey idin xanuujidey tixdaan idinku xayndaabey
Nin xil qaadey eed qaad yeybaad ku xamilaysaane
Ragga nabadda xiiseynayow ku xusa taariikhda!

Gogol Ku Xaar

Maansadan waxaa uu Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle kaga hadlayaa shirkii dib u heshiisiinta ee ka socday degmada Carta ee dalka Jabuuti ee uu gogosheeda dhigey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Abshir maansadiisa waxaa uu u adeegsanayaa farriin xanbaarsan talooyin wax ku ool ah ee uu u soo jeedinayo ergaddii Soomaaliyeed ee ka qayb galeysey shirkaa iyo ammaan iyo taageero uu u soo jeedinayo dowladda Jabuuti ee uu u horreeyo madaxweynaha, halkaana waxaa ka soo baxa maamul dowladeed ee uu hormood u noqdey madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Cismaan Xaaji Fiqiyow haddii Daalo ku xanbaarto
Xeebaha Jabuutiyo haddaad xarunta wayn gaadhid
Carta nimanka lagu xulay farriin xaqa ha loo sheego
Yaan laga xishoonine si ba'an xanaf u taabsiiya
Waa ka xun yihiin shacabku saad u xanibaysiin dhe
Xal baa meesha loo yimid haddaad xil u dudeysiin dhe
Xaqna maaha inaa dano qabiil xarakadeysiin dhe
Xisaab baa ka maqan beeshayada waa xujiyo ceeb dhe
Xurmiyo sharaf ma lihidiin intaad xil u ordeysiin dhe
Kuwii dhiiga xoorta leh rabaad xugun wadaagtiin dhe
Waad ka xuntihiin marakanood xagal ka daacdiin dhe
Xayada iyo iimaan kiibaa ku xad gudbeysiin dhe
Xeeryihii ilmaha laga qashaad xagaalineysiin dhe
Waa gogol ku xaar marakanood kala xanaaqdiin dhe
Xilmiga iyo casmiga Geelle waa rag iyo xeeshii dhe
Xog ogaalnimada Cali cabdina xaajo nuxur keed dhe
Xoolaha ku baxay meeshu waa xal uun ha gaareen dhe
Shacabka noo xanuunsadey dhalyey nagu xariirsheen dhe
Gogoshaa xurmada badani waa gob iyo xeerkeed dhe
Aartiidii xiliga loo xadidey ximin siyaadaa dhe
Isxilqaanka Ina Daahir waa maruun xishoodsii dhe
Xag loo dayaba gogshani abaal ku xusan taariikh dhe
Yaan lays xaqirin beenta waa laga xishoodaa dhe
Ragga noo xanuun sadey dunidu nama xasuusneyn dhe
Xeer beegta geeska Afrikey xul u ahaayeen dhe
Xeer Ciise sidii lagu bartay ugu xariiqeen dhe
Garta xibinta lala eegto waad ku xudunneydeen dhe
Gobta waa u xeer inay go'aan xagaf ku siiyaan dhe
Inna kama xishoodaan waxay xaq u arkaayaan dhe
Oo waa ka xaaraan iney u xagliyaan meel dhe
Waa ku xarragoodaan runtoy xugunka saaraan dhe
Gartu waa xunbiyo miide waa ka xaladeyseen dhe
Xaqii bey asiibeen cidnana kumay xumeyneyn dhe
Kuwii dhiiga xoorta leh rabey xero ku oodeen dhe
Xagta reer Jabuutina abaal ku xardhan beerkeena
Xaqbey noogu yeesheen inaan ku xusno taariikh dhe
Xayaakumulla cadow na xirtaybaa naga xoreyseen dhe
Xalbaa nala rabteen kuwa haddey xil u dudaayeen dhe
Xisi iyo sharciba wacad alaad ina xujeyseen dhe
Waxba gabeyga yaan ku xad gudbine waan xadidayaaye
Afarey xasaasi ah haddaan idinku xeyn daabey
Ragga nabada xiiseynayow ku xusa taariikhda!

Xuquuqul Insaan

Waa maanso uu abwaanku kaga faaloonayo waxaa loo yaqaan xuquuqul insaanka, waxaa uuna aad iyo aad ugu fogaanayaa in xaquuqda insaanka uusan ahayn sida ay u arkaan Reer Galbeedka iyo wixii ka soo horjeeda diinta islaamka, gaar ahaana waxaa uu hoos ka xariiqayaa oo uu si dheer ugu dhawaaqayaa abwaanka, in reer galbeedka haatinaya xaquuqul insaanka ay iyaga qudhoodu ku xad gudbaan xaquuqdaa ay sheegayaan, sababta ku bixisey gabaygaanna waa inuu abwaanka muujiyo in arragtidiisa ay ka duwan tahay aragtiyada reer galbeedka iyo qolooyinka raacsan jidkooda.

Xaruumahay ku magacaabayaan xuquuqul insaanka
Iyo kuwa la xayd xaydanoo la xusul duubaaya
Xaqii khaaliqii uunteybay xaqiijin waayeene
Xurmana uma hayaan diinta waa la xarbinaayaane
Wixii gaalku xiiseynayey xaq u yaqaaniine
Xarka dabinta shaydaanka oo xuquuqul insaanka
Waa xertii Baadariga Kirishtankoo xugunka Daaquudka
Xuduudii nabigu oogi jiray xaq uma haystaane Daaquudka
Xalna uma arkaan diinta waa la xarbiyayaane
Wixii gaalku xiiseynayey xaq u yaqaaniine
Xayada iyo iimaankibey ku xadgudbaayaane
Xisi iyo sharciba diinta waa ku xurmo beeleene
Xashriga iyo naartiyo jannadii maba xasuustaane
Xanuunkii qabriga garan mayaan xaarwalwaaladuye.
Cilmaaniga xaq diidkaaye jecel xugunka Daaquudka
Xadiiskiyo Quraankana kahsada kuna xajiimooda.
Asagiyo xertiisaba afkaan ku xajineynaaye
Waa xuunshadii xalwada diidayoo xaarka faganeysay;
Ma Salmaan Rushdaan ka xiganaa xuquuqul insaanka
Mise diin ilaahay xifdiyey lana xanaaneeyey;
Inta haatan la xusuusan yahay xarafka taariikhda
Xadgudubkii Fircoon baa u wayn xugunka Daaquudka
Xarfaddiisi waxaa soo ergadey xaruma shaydaanka
Tabeelahana waxay ku xardhayaan xuquuqul insaanka.
Waxay noo xayeysiinayaan xugunki daaquudka
Xalna uma arkaan diinta waa la xarbinaayaane
Maxaa xuubka caarada nabadey xaqana noo diidey
Ma xooleynu nahay maa dulmigan laga xajiimoodo
Xaq iyo baadil keebaa xurma leh waa xujiyo yaabe.
Ma gumeyste xoogeystaybaa xuquuqul insaanle'?
Xaruntoodi Niiyoor miyaa xuquuqulinsaan le'?
Xuunshooyinka hor tuban miyaa xuquuqul insaan le'?
Xerta baadariga weyn miyaa xuquuqul insaanle'?
Ma Yahuudka na xasuuqayaa xuquuqul insaan le'?
Xaaraamiga u wayn miyaa xuquuqul insaan le'?
Ma Ameerikaan xoogsadaa xuquuqul insaan le'?
Yuruboo ka daba xugan miyaa xuquuqul insaan le'?
Isbahaysi xoogsadey miyaa xuquuqul insaan le'?
Xaaraami Shuuciya miyaa xuquuqul insaan le'?
Anaa xoog lehe iraac miyaa xuquuqul insaanku?
Waxba waxay ka xun yiin miyaa xuquuqul insaanku?
Caruuraha fara xumee miyaa xuquuqul insaanku?
Naftu waxay xamili karin miyaa xuquuqul insaanku?
Xaaraan ku noolow miyaa xuquuqul insaanku?
Ilaahay ha ka xishoon miyaa xuquuqul insaanku?
Ma Rasuulkii ka xanaajibaa xuquuqul insaanku?
Xijran Maxjuuran gaaladu waxay xaq u yaqaaniine
Xasbuna laahu dhaha lama cuskado xibin kaneecaade;
Xabaala tuuga iyo waxays la mida xugunka daaquudka;
Labaduba wax xaaraan ah bey xaq u yaqaaniine
Xeerbay rabaan Munasalkay la xarbinaayaane
Xunbadey cuskanayaan intay xaqa ka bayraane
Xabiibkayagi Nebi Muxamad bay la xintamaayaane
Haddii diinta xeer lagu bedelo kama xumaadaanc
Xubbi iyo kalgacal uma qabaan xugunka diineede
Wixii gaalku xiiseynayey xaqu yaqaaniine
Isbahaysi xaaraanka iyo xulafo shaydaanku
Xoogiisa nimaaney uga baqin kama xishoodaane
Xayana ma le Cilmaanigu haddaan xanaf la taabsiine
Dad xaaraan xalaaleynayoo xaqa ku biirooda
Markay noo xayeysiinayaan xugunka Daaquudka
Xayul Qayuum kitaabkuu dajana naloo xumeynaayo
Ma xoolaynu nahay sow dulmiga kama xajiimoono
Xuquuqul insaan waxa yaqaan xugun iiaahaye
Annagoo diin xaniifahoo dahiran xabiibkii noo keenay
Xufaadiina noo joogto oo xabadku noo buuxo
Maxaa xeerka gaaladu dejidey nagu xanbaaraaya
Ma xooleynunahay sow dulmiga kama xajiimoono
Xeer qaado xaqa diid miyaa xuququl insaanku?
Ma diintaada xaqiroo nacbaa xuquuqul insaanku?
Waxay gaalo xeeriday miyaa xuquuqul insaanku?
Gabdhaha nolosha ku xabaal miyaa xuquuqul insaanku?
Dumarka yaan la kala xigin miyaa xuquuqul insaanku?
Xijaabkana ha laga dhigo miyaa xuquuqul insaanku?
Xeer qaado xaqdiid miyaa xuququl insaanku?
Raga xaas ha laga dhigo miyaa xuquuqul insaanku?
Ximnaha tuur xameeti cun miyaa xuquuqul insaanku?
Xalwada diide xaar fago miyaa xuquuqul insaanku?
Xerta Baadariga noqo miyaa xuquuqul insaanku?
Ma xoogaa nacfiya ugu xilaa xuquuqul insaanku?
Xaqa baadil ku xariiri miyaa xuquuqul insaanku?
Kuwii xasuuqay Boosniya miyaa xuquuqul insaan le'?
Kuwii xabaaley Jeejniya miyaa xuquuqul insaan le'?
Kuwii xaaqay Falastiin miyaa xuquuqul insaan le'?
Kuwii xabashi noo dhiibey miyaa xuquuqul insaan le'?
Xulufadii Afgaan laysay miyaa xuquuqul insaan le'?
Ma Hinduugii Kaashmiir xirtaa xuquuqul insaan le'?
Ma kuwii Ciraaq ku xadgudbaa xuquuqul insaan le'
Xilful muntasir ku xirnow miyaa xuquuqul insaanku?
Xoogayga igu raac miyaa xuququl insaanku?
Xaq hadday rabaan aan dulmiga lagu xurmayneynin
Maxay diinta uga xigan la'yiin xuquuqul insaanka!

Shirib

Xunbo cuskoo xirigu mood, xameeti cune xubno diid.

Waa Inaan Difaacaa Gabdhaha

Waxaa uu gabyaagu ka tiriyey markii ay soo gaartey Muxaadarooyin uu jeediyey Sheekh AxmedXasan Alqudubi oo aragti gooni ah ka sheegay jalaabiibta hablaha Muslimiinta ay xirtaan. Abwaanka oo arigtadaa ku khilaafsan ayaa Sheekh Quddubi ku yiri sidatan:

Deelleyda maansada markaan demen kareystaaba
Wax uun bay damqiya oo qalbigu ila dikaamaaye
Markaasaan dib ugu soo noqdaa yaamba ley dirane
Maantana nin baa igu dirqiyey Ducuful iimaana
Oo dumarki cowrada asturay iga dicaayeeyey
Aniguna ma dayi karo dulmiga lala dinaaxyeeyo
Oo waa inaan difaacaa gabdhaha diinta lagu maagay
Ma dafirin xijaabkee Qudubi wuu dabcinayaaye
Daliilna wuxuu u doon doonayaa ducuful iimaane
Marse hadduu xijaabkii dacniyey ama dicaayeeyey
Diintiisu inay naaqis tahey doodi kama taagna
Oo wuxuu daliishaday iftaro gubi damiirkeena
Nin diriiska culimada sitoo daacinimo sheegtay
Dirkiisii horena lagu yiqiin Diinta iyo kheyrka
Oo demen xaqa u soo halgamey kuna dadaalaayey
Hadduu dumar xijaabkii ku dedan dib ugu soo laabtey
Ma'suuniyadu iney soo dirtaa loo danninayaaye
Diiwaanka hadalka ugu qoran lagana soo duubey
Dib inuu u dhibayaan hubaa labada daaroode
Islaaxow haloo digo Qudubi wuu dabeyshadaye
Ama tiisa doorbida xaq waa lagu dadaalaaye
Diiwaanka waxaad gaysatiin dan iyo yeelkiina
Doc isu raaca dowr muuqda ama kaligi dayreeya
Kala doorta diric iyo xijaab waan idiin digaye
Dadka kama aqoon shiikha waagaan tixdu diraye
Difaacii xijaabkay la tegay oon ka sii daraye
Dab intaan ka rooraan midkale daakhalka uu galaye
Dib inaan ka saxo qaladki waan door bidahayaaye
Waa caalim daaciya Qudubi diintana u heegan
Dadkana aan colaadine runtuun diirka ka caddeeya
Xijaabkana ma diidine warkaa dayrka kala boodey
Duntiisaa wanaagasanoo taqway dir u lahaayeen e
Cilmigiyo fasaaxada duxda leh diracnimow dheere
Daruustiyo muxaadarada uu shacabka deeqsiiyo
Waxaa kaaga daran waa juhdiga uusan ka daaleynin
Iyo dowlad siduu ula raboo ugu dadaalaayo
Diintiisu iney naafic tahay doodi kama taagna
Dadkaa qiraya dowrkuu ka galay dib u heshiisiinta
Waxayna daa'imkey uga baryaan darajo dheeraada
Waxayse dowladani neceb yihiin kii u daacadahe
Ma darajeynayaan Shiikhu waa diriqsanaayaaye.

Dib U Heshiisiin

Waxaa uu tiriyey Abshir gabaygan iyo kuwo kaleba, markii qaranka Soomaaliyeed uu dumay dawladii jirtayna la riday Sannadkii 1991kii, kadib dadkii soo haray ay dil iyo dhac isula dhaqaaqeen. gabyaaga oo muujinaya nabadda iyo dib u heshiisiinta ummadda ayuu gabaygaan tiriyey. Gabaygan ujeedadiisu ahayd dib u heshiisiin, wuxuu ka mid ahaa gabayadii ugu caansana oo abwaanku ka tiriyey didb-heshiisiinta, xilli marxaladuu ay ummulo-doox ahayd. Eryadii murtida reebay ee maansadan ku jiray waxaa ka mid ahaa:

Dumarkiyo carruurtow qalbiga nabad ka doon doona
Dhalinyarada duulaamadow damiya baaruuda
Aqoonyahanki lagu daalayow deynta soo celiya
Culimada dariiqooyinkow daacad wax u sheega!

—–

Deeleyda maansada marbaa lagu dambaabaaye
Marna waa dagaaloo waxbaa lagu difaacaaye
Marna waa clan kuu gaara iyo nin iyo dookhiisa
Dareenkeyga gabay maanta waa dib u heshiisiine
Duruufaha adduunkiyo waqdgu dan iyo yeelkoode
Qalbigeeni daxaleystey iyo damici dheeraaday
Derbigi u dhexeyn jirey raggii dumiyayoo laaday
Diiwaanka taariikhda iyo danabka suugaanta
Ma dafiri karaan Liidarada dib u heshiisiinta
Daroogiyo qabyaaladi ka daran Furuqya daacuune
Dagaallada sokeeyuhuna waa dabar go' eeniiye
Dalkayaga bur-buray iyo faqriga dowladda asiibay
Degaanada nabaad guuray iyo dahabka maaroobey
Dilka aan ujeedada laheyn deriska eedoobey
Denbi nimaan leheynoo sidii deero lagu tuujay
Maatadiyo dumarkiyo ilmaha cadowga loo daadshey
Nin damiir leh baa kahanayee doqoni waa mooge
Damqashaduba waa gobonimee dib u walaalooba
Qolana qola ma dabar goyn kadhee waysku dagan teene
Dalkoo nabada diin lagu dhaqmiyo deris walaalooba
Dakanooyin keenii horoo daaqad laga tuuro
Oo daacad laga yahay inaan dib u walaalowno
Oo danaha qarankiyo la sugo dawladnimadeena
Oo kala danbeyntiyo amniga dhidibka loo duugo
Oon daadah iyo daadah nahay ul iyo diirkeeda
Iyo waxay nafluhu doonayaan dib u heshiisiine
Fursa dahabiyaa ina hortaal doqoni waa mooge
Cirkoo da'aya oo meed dalsana Daa'in ku abbaaray

Oo sagalku daafaha ka xiray dirirka roobeeya
Oo kii horoo da'ay nimcadu dulundulcayneyso
Oo seer maweydiyo3 dihine lagu dul joogteeyey
Oon dhibicdu danab iyo leheyn Jac iyo duufaano
Oo karartu daran doorisaye dayatay raadkeeda
Oo dalaggu noo soo baxaye darar la maalaayo
Iyo waxay nafluhu doonayaan dib u heshiisiine
Fursa dahabiyaa ina hortaal doqoni waa mooge
Daruur hoortey daad koo rogmadey Tog iyo dooxooyin
Oo doogga baarka leh xareed dacalka loo saaray
Oo deris biyood waa rehee dananayoo riimay
Oo daaqa meeshaa ku yaal damacda laabtaadu
Oo haadka kaymaha dugsadey hoos u degi waayey
Oo deerao iyo cawshu fadal dib ugu soo tuudhey
Oo aan sabaankiyo la degin gu' iyo dayrtiisa
Oo sahanku doorbiday inuu awrka kaga daadsho
Oo ubax dabayluhu ruxeen udugna deeqsiiyey
Oo aan dugaag lagu ogeyn dacawo mooyaane
Iyo waxay nafluhu doonayaan dib u heshiisiine
Fursa dahabiyaa ina hortaal Doqoni waa mooge
Nin walaalkii dilay ama durjiyay dib u shallaay tooye
Dirkayaga afldyo diinta iyo dhaqanka deegaanka
Iyo diirmadow baan dhammaan dib u wadaagnaaye
Markii diinta laga leexdayoon wada dugaagownay
Dishabiliina mi nuga dhintoon kala danbcyn wcyney
In calankeeni hoos loo dejiyey ama la duuduubey
Xornimadii dad badani u dhintana daaqad laga tuuray
Oo dunidu nala yaaban tahay deyiba meysiine
Duqowdiyo wax garadkow fursadan dahabigaa qaata
Dad weynihiyo shacabkow ayida dib u heshiisiinta
Dumarkiyo caruurtow qalbiga nabad ka doon doona
Dhalinyarada duulaamadow damiya baaruuda
Aqoonyahanki lagu daalayow deynta soo celiya
Culimada dariiqooyinkow daacad wax u sheega
Degaanada cadaawoobayow dib u walaalooba
Dugsina male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Cabdullaahi Suldaan Timacaddaa nooga sii digaye
Dembi dhaaf allaha siiyo iyo darajo dheeraada
Tixduu calanka ugu deeqay iyo dib u heshiisiinta
Iyo daacadnimadey nafluhu ugu duceeyaane
Diiwaanka taariikhda iyo danabka suugaanta
Inuu door ka galey baan hubaa doqoni waa mooge.

Shirib

Hadey dib noogu soo duxdee abuurkaan duuganaa dubnaa!

Ku Duug Qalinka

Gabeygaan waxaa uu Abshir Bacadle kula hadlayaa wiilkiisa Muxsin, si uuna uga wahsan inuu qoro oo uu diiwaan galiyo waxii uu iibiyo xilliyada uu kaligii ku yahay dukaanka:

Ku duug qalinka diiwaan la'aan daayac wow halise
Dihnigaagu kayd maahanoo waa dafirayaane
Dawaadda iyo diiwaanka iyo qalinku waa doore
Dab hadduuyan galin waxii la qorey doorsimaad malehe
Diiwaanku waa kuu hayaa daa'in ebed kiiye
Deero iyo cowl kama duwana shilinka daymoobey
Labaduba dib uma soo noqdaan diriqsi mooyaane
Dawadiisu waa aakhiree dunida waa laayac!

Roob Doon (Gabayga Labaad)

Waa gabay kale ee uu abwaanku Ilaahay kaga baryayo roob, kaddib markii ay dalka ku habsatay abaar ba 'an oo gaartey goobo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, waxaa uu abwaanku carrabka ku dhufanayaa degaano aad u badan oo dalka ka mid ah kuwaa ay saameesey abaarta iyo bulshada Soomaaliyeed oo degta goobahaas.

Deelleyda gabay waxaan ku nacay oo isaga daayey;
Dadkoo idil miyaan heli karaa nin iyo dooqiisa
Waxaan duciyo roobdoon ahayn laygu dayi maayo
Iyo maalintay doorbidaan dib u heshiisiinta
Ama diinta iyo towbadaan idin dareensiiyo
Inta kalese dacariyo dhunkaal iiga sii darane
Daawiyo nashaadkiisu waa duciyo roobdoone
Libooye dooxadn jubbiyo degalka Baardheere
ow iyo Buurdhuubo iyo doyga Beled Xaawo
Dusha Kismaayo buundada dayacan diilintii wabiga
Eebbow Jamaamiyo ku di'i Jilib duleedkeeda
Diinsoorya Bu'aaie iyo dagalkii nuur weyne
ajuumiyo Sablaaliyo iiaa danoowga Hiitoole
igilya Mirifle dooy iya Bakool webiga diishiisa
Eebboow Dagoodiyo Garriyo deegaan Ogaadeenka
Alloow Dir iyo Daarood u di'i oo Hawiye dooji
Dusha Banaadir Eebbow ka di'i hana ka soo daahin
Alloow deexda gaarsii dushana Wabiga daaciisa
Doc walibana Hiiraan Alloow roob ku darandoori
Dadkana ugu roonow Absamaa iigu sii darane
Eebbow dirkoodaan aqaan waa gob daacada e
Waa duunya dhaqatoo bilaad uma dadaalaane
Eebboow Isaaqaa dudoo dibinta ruugaaya
Iyagana u di'i roobka waa lagu dawoobaaye
Eebbow degaanada Hartiga dhinac walbow dooji
Alloow Habartu meeley degtaba doogaan kala qaadin
Duduble iyo Murusade Alloow deeqaan ka idlaanin
Alloow Cayrka naga dooji yey nagu dawaareyne
Oo Soomaali kala deeq hunguraa leysku dilayaaye
Eebboow degaan Cali Cusmaan roob ku darandoori
Alloow labada wabi haw darnaan tacabku waa doore
Alloow dooji dooliyo kanaal ha isku daaceene
Eeboow Jareerkaas dulmanoo qorigu daaneeyay
Oo ay Hawiye duudsiyeen beeraha u dooji
Eebboow dabaadiga ka harey diinta ku hanuuni
Deegaanka Xamar iyo Warshiikh Cadale roob deeqa
Eeboow Mareeg iyo ku di'i duudi Xarardheere
Daartii Hobyood iyo alloow Sugule roob dooji
Deegaanka Eyl iyo Qardhiyo dagalka Boosaaso
Dusha Caluule Baargaal ilaa Daharka caadiiste
Laas qoray duleedkiisa iyo deegaanka Ceelaanyo
Dakadaha ku yaal Maydhya Xiis roobku darandoori
Deexda Saaxil daaraha Berbara Roob is daba yaala
Bullaxaar duleedkiisa iyo Seylacna ha doogto
Deegaankii Jabuutiyo ilaa Harar duleedkeeda
Doollow iyo En.Ef.Dhii Alloow roob ku darandoori
Docda laamo xeebtaa dadbane diilinta cagaaran
Dusha Kismaayo Goobweyn wabiga maanya darankiisa
Deegaankii Baraawiyo Tunida cadowgu daaneeyey
Dadkii reer Markood oo Hawiye daanada u geystey
Deegaanka Xamar iyo intaan magac ku soo daaley
Eeboow dalkaan soo tirshiyo deyrka nagu meersan
Iyo daakhilkoodaba ku di'i wow duraansadaye
Illaahow darruur caam ahoo miriya deegaanle!
Oon doogga iyo dararta iyo dalagu aafoobin
Waxba gabaygu yuu ila durkine waxaan ku soo duubey
Alloow roob dabaadiga hariyo dad iyo maal ceynsha
dibna aan u dhicin bey nafluhu kaa dalbanayaane
Eebboow ducada naga ajiib hayna daayicine
Eebboow kor baan dayahayaa tan iyo deyrtiiye
Damcina maayo roobaanka helo adiga duunkaaga
Difiq haddaadan noo siina waa daalinnimadeena!.

Shirib

Ducafo roobkii daahsatoo kor soo dayee Allow udeeq.

Xoolo Daayac

Gabaygaan waxaa uu gabyaagu la hadlayaa wiil ka mid ah wiilashiisa, ka dib markii dhowr mar uu u diyaariyey ilo dhaqaale, balse marksastaba wiilku uusan noqon mid ku guuleysta waxa uu aabbihiis la rabay. Gabeygaan waxaa la tiriyey markii ugu danbeesay oo uu dukaanka uu hayey baaba'ay deyn badanna lagu yeeshay.

Maandhow ducaa noo balana daa'in abid keene
Duruufahan ad adag waa Rabigey deyr uu noo dhigaye
Dadaalkii Rabigey kaabayaa laga durduurtaaye
Dirqi maaha xooluhu haddaan lagula dooneyne
Dahabka lagama baayaco ninkaan duunyo loo rabin
Dirna xoolo uma lihin dabkoon shidano mooyaane
Dihnigeygu wixii uu jeclaa waa iga daaheene
Dunbaa laga hodmaa maal haddii daa'in kuu rabo'e
Dureyna wow dhintaa ruux haddii loo dan leeyahaye
Insha'alaahu waxaa noo danbeyn mirihi doocaane
Maxaan kaa dicaayeynayaa waaban kaa daraye
Dir xumada anaa kugu dhaliyo xoolo daayaca'e
Reer Faarax dacayeyna waa naga darnaayeene.

Abwaankii Dariiqooyinka

Bacadle waxaa uu halkan ku cabbirayaa xaaladda haysata Khaliifyada Dariiqooyinka kaddib markii Saxwada Islaamka ay soo xoogeysatey oo in badan oo khaliifyada raacsaneyd ay ku baraarugeen khuraafadii ay wateen Khaliifyada qaarkood, gabaygaana waxaa uu mariyey horaantii sideetamaadkii, laakiin waxaa xusid muddan in gabyaagu marar badan is dhexgelinayo culumada saahidiinka ah ee Suufiyada iyo qolooyinka sixiroolayaalka ah oo aan diinba aqooniin. Waxaase tilmaam mudan iyadana in abwaanku uu halakan ku soo bandhigayo tusaalooyin iyo dood la xiriirta arragtida uu ka qabo dariiqooyinka ee uu aaminsan yahay oo hal dhinac ah, wuxuu ku billaabay sidan:

Nimanyahow bidcaa daahirlaw dila e raacdeeya
Ducaa'ul Fows kiyeey waxay dheheen hadal dajaal waaye
Daxlaani1 iyo Ibnaa Carabiyeey dood ku kiciyeene
Kutubtey dejeeney dheheen diinta kuma toosna
Dalaasiinti1 aan dhigi jirney naga dulmaayaane
Dayrabigiyo Macsharal Falagiyey dacar ku sheegeene
Dariiqooyinkey waxay rabaan iney daciifshaane
Inse ilaah idoortoo i rabo qabo daliilkeeda
Ama diida muramaad hortaba dabada heyseene
Immisaan duceeyoo la helay dalabkii aan geysdhey
Immisaan Datoor iyo wadaad anigu daaweeyey
Immisaa i dooneysa oo irida loo diiday
Immisaan dukaanley gemoo maalkii daba beelay
Immisaa wax ii diidayoo dibada taal taala
Immisaan damoodhoon mug kale duni ku raaxeysan
Immisaan nin deyn igu lahaa duco u dhaafsiiyey
Immisaan nin diin igu qabsadey dawlada u dhiibay
Immisaa la diley ama la xirey ama la duuflaalshey
Diintow akhraayana la yiri kuguma daaweysnin
Gebdhohow daboolana la yiri diricyo soo qaadha!
Immisaa idaba joogta oo darjo dooneysa
Nin dariiqo iyo diin lahaa derejadaas heysta
Dabbaalnimo bidcey haysataa gaajanay dilatey
Immisaan intaan geber dalbay diido igu keentay
Ooy tiri duqaa tahaye arag muluq yadaan diidey
Dab ii huri wallee kuma dheheen guur iskaba daaye
Damac kaa khasaaraa jiree ha isku kay daalin
Da'daadii ma noolee mulqaha xaa ku daba roojey
Daankaaga miinta leh wallee dayibaheemeysid
Waxaadse aniga igu dooratoo igu daryeelaysid
Ilmahaaga duufka leh maxaad ugu daweyn weydey
Dareen kugu dhacee xaa dulmiya madax ku duub weyne
Muggaasaan dibbirey oon xanaaq dibinta laalaadshey
Rooxaanta duushiyo intaan duulal ugu yeeray
Mugay soo dukeeyeen asey dulufka yeeleena
Diin lagu akhriyo iyo muggii daawa laga noogay
Maxaa derinta lay soo dhigoo laygu dereybeeso
Kor intaan dammoodhaan indhaha dacaladuu leexshey
Dulmigay gashaan waxaan rabaa inan dammoodhaahe
Intaan daaha soo rogey muggaan beriyo doocdoocshey
Naaskeedu goortuu dabcoon dcmen ku raaxeysdhay
Dalqaddey laheyd iyo maxaan siiyey derinteera
Aniguna mid kale soo dalbaday Daanis la ciyaarey
Haddey soo dacwootoo tiraa meherkiyow diidey
Rooxaanta duushiyo intaan duulal ugu yeeray
Dabqaadkii madoobaana aan foox ku dalaq siiyey
Dahabka iyo diriciyo maxay derinta ii tuurtey
Nin dariiqo iyo diin lahaa derejadaas heysta
Dabaalnimo bidcey heysataa gaajana ay dilatey
Abwaankii dariiqoodhin koo dooranaan ahaye
Anaa ugu da'weyn odayadii diinta ku cirroobay
Inta duubka madaxeyga suran laygu daba joogo
Boqol iyo wax lagu sii daraan derejo heysdhaahe
Ducaa la igu qabi jirey muggii daacad ley yahaye
Dareemaa igaley iney shacbigii dib u naqaayaane
Digrigii habrowshaa fadhoo diide nimankiiye
Dukaanleydii waxay leeyihiin dayn la bixi maahe
Sucuudiga sidii loogu duday weyga durugteene
Dagaaleyba noo taagan tahay dunida qaar keere
Duruufaha isoo marey waqtigu iima doorana' e
Arintaas minaan daba galoon dooney xidid keeda
Dariiqoodhinkaan waxaan arkaa iney daciifeene
Daacuunya furuq iyo abaar duunyo drib goysa
Dagaalaan cawiyo berigashow lamma ka daawoobin
Iyo dawlad jaa'ira inaan idinku sii daayo
Ama duunyo ley keeno oo leygu derejeeyo
Kala doorta lainmadaasu waa kama dambeystiiyck

Shirib

Minaad da'diini duufsateen duqowda xaad ka doonateen.


Abshir oo sheegayo figkradda khaliifyada ka soo horjeeda waxa uu yiri:

Gabey weyska deeyoo marabin inaan dammoodhaahe
Miiggow kula dabaashaa asaa lugu dambaabaahe
Mugna waa difaacoo xaqaa lala duljoogaahe
Wadaad kaas isoo doontayaan lama ku daaweeyo
Xaqii naga dahsoonaana aan idin dareensiiyo
Anoon ugu darraaheyna aan daacada u sheego
Wadaadow dariiqoodhikiyo diinta kala reeba
Lamma dirir sanoo aan is rabin haysku soo darina
Mid dalbada Dajaal hadalki iyo Diintii nabigaayna
Kala doorta daacuunka iyo malabka daaweysan
Oo dhaqan da'weynaa jiree doono xididkiisa
Ama aniga ii daaya waa idin dareensiine
Taariikhda duugaa haddaan dacal ka soo feydo
Ha dafirina hana diidinee daacad ka ahaada
Wixii aan ku daro igu qabsada haygu daynina' e;
Aakhirana diiwaanka waa dulun cadoon gcysdhcy
Adduunyadana waa igu dakano igana soo doondhn
Xaq haddii aa diidiina waa dan iyo yeelkiina
Rabbi daa'inaa jooga oo xugunka loo decyo
Nin duub weyne aan diin aqoon oo ladaba joogo
Dukashadana aan sixi aqoon oo digri u taagan
Oo waa laygu soo degey lohoo walax daliishaaya
Dadkana waxow u sheegaa aniga nabigiyey doortey
Inkastoon dembaabana cadaab laygu deyi maayo
Aniga iyo duulkaan wadhana cidu dammoomeyso
Jannadana mahaan doono waa nin iyo dookhiisa
Dariiqoodhinkaa kalena waa dan iyo yeel koora
Tusbax digada geel shaabahoo dowli dherer jeeda
Aa qoorta ugu duuban oow subag dabaalsiiyey
Seef dacala dheeroow wataa deegtana u saaran
Dameerna waa ka xoog badan yihiyo dibi galbeed jooga
Shaqana uma dareeree cunada duulalow kariya
Mar haddow dangiigoo barkinu dul uga soo jeedo
Amaw goodka dabareysto oo dacar ku sheekeeyo
Ilaahey inow soo direy doqoni moodaahe
Xaaraantu sey ugu duxdiyo daalimnimadiisa
Dufunka iyo dhidid kiyo sidow wax u damoohaayo
Dibiradiyo daacada indhaha lala dammuujaayo
Muggow qolo ku duulaan yahow duubka xirahaayo;
I ladba kii dambecyey ilctii doqoni raacdaaye
Dufku baxa illeyn caamo waa dumarka noocooda;
Afartaa dariiq toosan iyo dirito mow yeelay;
Waxaa kaaga daran maansadaan kula dul joogaahe
Bal inaad dajaal tahay ibliis diinta ka horjeeda
Ma dadkaad dhameyhee haddii walax laguu diidey
Ma daacuunya furuqaad dhehee haydin dabar gooyo
Ma asmaad ku dey hee haddaan duunyo lagu siinin
Ma deynaa lagaa qabey asaa lagu damoowaayey
Ma dadaa lagaa dilay asaad weydey diyadoora
Diir iyo Macsaro iyo bun iyo daangiyo cambuulo
Wan deyl deylan iyo diiq madow how dagaalamine
Dabaabaadka aad haysatood nugu dukeeyheeysid
Dal Amxaaro naga haysatoo daa hayaa jira' e
Dagaal ba'anna waa nagu hayeen daa'in abidkoore
Dahab aan ku siinee ku deey haba dareereene
Amba in aad Dajaal tahay qiroo diinta u hoggaansan
Kala dooro labadaasu waa kama dambeystiiye!

Shirib

Nimeey Dariiqo duufsadeen diintiisi waa ka dooriyeen.

Doqonkii Gaabnaa

Waa gabey uu abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) uu ku tuun tuunsanayo towxiidka ilaahey iyo in ummaddu ay ku ekaato oo kaliya baryada ilaahey iyo gargaar weydiintiisa, isla markaana waxaa uu tusaalooyin u soo qaadanayaa Nabiyadii Alle iyo ummadahooddii wixii dhex marey isaga oo ka dab qaadanaya Quraanka Kariimka, wuxuuna yiri:

Ilaahayow dacwaan kuu bandhigay kuuna soo diraye
Weligaa waxaan kaa dalbado iguma deereyne
Anna mayto kuumaan dirsado daa'in abidkeeye
Ibraahim dabkii lagu shidiyo dabinki loo qooley
Derbi uma dhexeyn oo xijaab kuma dabooleyne
Isagoo ku soo degahayoo dul uga soo hoobtey
Malaggii difaac muujiyuu diidayoo nacaye
Deeqdaada iyo wuxuu ogaa derejadaadiiye
Wax daqiiqad aan gaarin oo weliba duunkeeda
Degdegtaad u taageertay baan dib u xasuustaaye
Dabxigii Ismaaciil1 qalbigu wey dam qanayaaye
Markuu daabka eebada qabsadey diinta odeygeedu
Oo soo dulgowriirsadaad iiga daa tiriye
Nafta inuu ka duulshaa markaa daacad ka ahayde
Wax daqiiqad aan gaarin oo weliba duunkeeda
Degdegtaad u taageertay baan dib u xasuustaaye
Markaasey ilmada iga da'daa dacalka qoysaaye
Ragna ducada aan baraxtirey iigu dudayaane
Duulaan Fircoon soo kacshaye diinta ka horjeeday
Oo Muuse iyo ducafadii duurka ku eryoodey
Dagaalkey wateen wuxuu ahaa diintu yey fidine
Wuxuu ciidan soo dumahayuu soo dul joojiyaye
Hadduu dacalka helo ama labada la isu daynaayo
Nabi Muuse waa dill lahaa doqonkii gaabnaaye
Haamaana waxaa duban lahaa dirici Haaruune
Mase difaaci karin ciidan kuu soo dul joojiyaye
Ma baddey ku daataan birriga laga dariiq waaye
Marka ducafadii ay dheheen layna dabar goosey
Ama layna soo daakhil buu diiday Nabigiiye
Warka daaya waa kii lahaa daa'inkaa faxane
Rabbi baa na daadihinayoo daaqad noo furiye
Wax daqiiqad aan gaarinoo weliba duunkeeda
Degdegtaad u taageertay baan dib u xasuus taaye
Baddii baad dariiq uga furtooy dalaq yiraahdeene
Markuu kii dabaadiga ahaa daanta bari gaarey
Fircoon iyo dadkii uu watana daakhal ku ogaatey
Ninna dabin ilaahey u dhigay diidi kari waaye
Markaad damag ku siisaa caqligu soo degaan degaye
Xaquu diidi jirey buu aqbalay doqonkii gaabnaaye
Diiwaanka kheyr looma gelin daa'in abidkiise
Wuxuu daaro fooqliyo nimciyo dowladnimo hay stay
Durduradiyo beeraha wuxuu dulundul ceeynaayey
Wuxuu webiga Niil soo duldhigay duul kalow haraye
Subaxduu ka soo dega hayaa dabin u qoolaaye
Ma dareensaneyn ducafadaa degi maqaam keere
Nabi Yuunis waa tuu ka duday qoonkii loo diraye
Hameen dam'a baddiyoo ka daran doonti laga tuurye
Nina dabin ilaahey u dhigay diidi kari waaye
Af daloola waa tuu ku dhacay bahal dubaaqiise
Daqiiqooyin buu dhiman lahaa kama dambeeyeene
Ilaa yoomu diinkana dhibkaa kama dulqaadeene
Dembigiisa goortuu qirtaye diinta ku adkeystey
Digriga iyo towxiidki buu kuula daahiraye
Wax daqiiqad aan gaarinoo weliba duunkeeda
Deg degtaad u taageertay baan dib u xasuustaaye
Markaasey ilmada iga da'daa dacalka qoysaaye
Ragna ducadii aan barax tirey iigu dudayaane
Afartaa anaa doortay oo soo daliishadaye
Deeqdaada uma wayna iyo darajadaadiiye
Kumanyaal ka sii daran ay aan diinta ku hayaaye
Miyaan gabay ku daahirin karaa weys dirqinayaaye!

Duduble iyo Murursade

Waxaa uu Abshir gabaygaan u direy meel lagu heshiisiinayo labo heelood oo la kala yiraahdo Duduble iyo Murursade, si uu door ugu (jaato, nabadeenta qabaa 'ilka diriraya sida caadadda abwaaniintii hore qaarkood aheyd, kuna caan baxey Abshir. Ereyadiisana waa kuwan:

Duduble iyo Murusade haddaan dib uga faaleeyo
Dabci adegii lagu sheegi jiray waa ku soo duxaye
Dersi uu ibliis ku akhriyaa degay calooshooda
Waa yaan lagugu diganine dagaal daa'in abidkaaga
Aakhirana hadalkeed daa dan iyo yeelkeede
Waxaa kaaga daran nimankanoo idin duleystaaye
Waa kaa dersiga labada qolo degay calooshooda
Waxaana u dawo ah diinta oo lagu dabiibaaye
Duf ku baxa intii diidaney dib u heshiisiinta;
Degdegna ugu dhaca dabin qarsoon waadna dilateene
Intase nabadda dooneysa oo daacadda u jeeda
Rabbigay ha darajeeyo waa naga duceysteene
Duduble iyo Murursade waxay nabad ku daaqaanba
Dalka meesha ugu ladan waxay darar ku maalaanba
Waxay deris wanaag iyo kalgacal daban ku ceyshaanba
Dabbaa laga dhex shiday oo ku fiday degaladoodiiye
Deegaankooda kama dhalan fidnadu duul kalaa wadaye
Mana dareemayaan oo dheguhu uma daloolaane
Dhaaxaan u digay oon u digay igase diideene
Dabci adegii lagu sheegi jirey waa kusoo duxaye
An uun baa u danqanayee iyagu diiri mahayaane
Daneysiga siyaasaduhu waa nin iyo dooqiise
Dagaalse lama jeclen iyo iney dib isu laayaane
Qalbigoodii baa kala durkaye diidey nabadiiye
Ilaahow dawiyo nabad ku beer deriskan eedoobey
Ilaahow kalkacal daa'imiyo daacad ku hanuuni
Dufna ku baxa kuwii diidanoow dib u heshiisiinta
Deg degna ugu dhaca debin qarsoon waadna dilateene
Intase nabadda dooneysa oo daacadda u jeeda
Ilaahey ha darajeeyo waa naga duceysteene!

Weyga Degi Waayey

Gabaygaan waxaa uu abwaanku ka cabanayaa tafaruqa kooxaha muslimiinta gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqayaa qolooyinka Suufiyadda kuwooda bidcada ku dhaqma.

Todobaatan labo lagu daroo Diinta wada sheegtay
Oo qolaba qolo diidan tahay doodna ka horgeysey
Dal daloolka meeshaas ku jira weyga degi waayey
Maraan iri ma diintaa qabtoo waadan dib u fiirin
Maraan iri ma dano gaara baa culimadii doorshey
Maraan iri dadkoo idil maxaa dacarta qaadsiiyey
Maraan iri allaha dooriyee Duruqdu waa Shiico
Maraan iri salaad lala dukadey Daa'in ma ajiibin
Maraan iri ka deeyoo sunnaha dacalna how dhaafin
Deb intaad ka roortaad mid kale dalaq tiraahdaahe
Maraan iri degaan kale ilmaha diinta ugu eexi
Waa laga durkaa meel shirkigu Diin latoo yahaye!

Dahabka Maaroobey

Gabeygaan waxaa uu ka midyahay maansooyinka Bacadle uu curiyey oo uu ku lafa gurayo waxa uu u arko bidcada iyo shirkiga ay ku dhaqmaan qaar ka mid ah niman ay qaraabo yihiin ee deggen degaano ka mid ah gobolka Mudug:

Wadaadyahow dagaalsani horaa layga kaa digaye
Inaad diinta jeceshahey anaan kugula doodayne
Dariiqeedibaa kaa lumiyo dawga loo maro'e
Markaasey isaga kaa darmeen caado iyo diine
Dabaadiga Alkaaf iyo Tansiil kuuma daadegine
Mana dafeemin Huud iyo Ancaam waa laguu digaye
Halkuu cudurku kaa daaraybaan kuu dulmarayaaye
Nin dariiqa sheegtaa Fusilat waa u dudayaaye
Haddey doorin karayaan Makiga weysku deyayaane
Inuu gaal ku soo wada degay nagula doodaane
Alla doori towxiidki bey noogu dudayaane
Rabbibaa ka diidaye waxbey damac sanaayeene
Qaranrow markaan degi jirriyo dibiryo ceel guula
Amaan Sugule1 daantiisa golol uga dabqaadayney
Waxaa diinta noogu holnncyd soomanoo2 duqahe
Waatey salaad ina dujidey duhur dharaareede
Dandaradiyo hooggaa markaan duurka ku abaadney
Ragbaa Xaramka daadihinayoo diinta soo wadaye
Halkii nabiga lagu duugayoo daa'in barakeeyey
Shuhadada Xamsa u dooran yahay meeshi lagu duugey
Waxar iyo digaag laguma qalo geel iskaba daaye
Haddey diintu noo saamaxdana lagama daayeene
Adna meel wadaad derin dhigtoo horey u duuduubtey
Ayaad dhiigga kaga daadisaa duunyo fara weyne
Ninkaan soo dabbaal deginna waad ugu dudaysaaye
Haddaad lagu raqsiyo4 doorateen diidey qararoowe
Kuwii Xaramka daadihin jiraan uga dambeeyaaye
Diiwaanka waxaad geysatiin dan iyo yeelkiina
Wallee ima dagtiin saa Allaa iiga kiin digaye
Dadse weyga haysaa kolaan kaa dareersadaba
Insha Allaahu waan kaa dulkicin toban kan dayroode
Wadaad dowlad hoos roorayoo Diinta lacageeyey
Ma darcemin dceqdooda iney naari dabataaie
Amaan kuu digaa naar jannaan kaaga doorbidaye
Dib u laabo Shaydaanku yuu daaqad kaa ridine
Ama diid shaqaawadu nimey deli1 ka tuurtaaye
Ilaahey halkuu kula damcay derintu kuu taale
Diiwaanka waxaad geysatana dan iyo yeelkaaga
Dawarsiga tujaartiyo shacbiga diinta lagu quuto
Wax daliila uma haysatiin kamana daysaane
Abuur duban dadaalaa la biday soona duxi waaye
Haku daalin ow Muxamadow dahabka maaroobay
Nin dib jirey dabna an shidan markaad hilibka doonaysid
Dan yaraa ugeysaye ilmuhu kuma dulbooyeene
Adna daaro inaad leedahaan kuu daninayaaye
Wejigaagu inuu diirmayaan Diinta ku hayaaye
Allana diidyey diin baraxle inuu deeq ku bixiyaaye
Haku daalin Aw Muxamadow dahabka maaroobey!

Dacar iyo Dhuunkaal

Tixdan gabayga ah waa mid aad u gaaban oo uu ka tiriyey gabyaagu dadka masaakiinta ah oo la boobayo oo qoriga lagu maquuninayo, waxayna ku dhalatey sannadku markuu ahaa 1992kii, kaddib markii uu arkey wiil yar oo labadii indhood ka soo jeedo bani Aadmi inuu yahayna aad si xil leh ku garaneysid oo daasad wata, waqti subax ah dabadeed markii uu wax siiyey ayuu yiri:

Wiilyahow dagaallada kuwii idinku daanneeyey
Ama deeqda ladiin dawaray qori ku duudsiiyey
Dad may dhicine meyd hilibki bey dalaq ka siiyeene
Oo dhiig duqsiyo malax leh bay dalamsanaayaane
Dibnahooda waxay marinayaan dacarya dhuunkaale
Adigaana dheefkaga danbeyn duugna waad heliye.

Doqoni Calaf Ma Leh

Waxaa uu Abshir ka tiriyey gabaygaan soo socda markii ay dowladdii Soomaaliyeed dhacday 1991kii oo haamihii keydka batroolka ay mooryaan iyo kuwa wax-ma-garatada ah ay bililiqeysteen, wixii soo haray iyo haamihii ay ku jireenna xabbado ku toogteen, dabadeedna ay gubeen, iyagoo u muuqday inay waddan shisheeye qabsadeen, mar dhowna ka bixi doona, arrintaa oo uu marna maleysaneynin gabayaaga markii uu arkey waxaa uu ka yiri:

Dantey badiye gabay kuma degdego Maxamed Deeqoowe
Warkase xalayto soo duulay weli wey danqinayaaye
Ma dalooshadeen haamihii deeqda lagu kaydshey
Dab miyey sureen waa dulli aan xuma ka daaleyne
Dusha aadmigey shaabahaan ficilna duur joogta
Deggani iyo khayr lama tusoo way ka diriraane
Dabciga riibigey leeyihiin mana dareemaane
Dadna uma oggola caanahana kama dur duurtaane
Illeyn doqoni calaf ma leh waxay dumiso mooyaane
Maraakiibta iyo doonyihii didiye sow maaha
Diyaaraadku soo degi mayaan dalakan sow maaha
Dab bey sura hayaan meel kastoo dahaba sow maaha
Dad iyo duunyo dabar gooya iyo dirira sow maaha
Durba wexey ilowdaa ummuli dihashadeediiye
Dalka Afweyne inuu leeyahay qalin ku duugeene
Siyaadow na daadihidi bey dib ugu xiiseene
Dirkoodaan malaha dowladnimo daa'inba u qorine
Warkii loogu duur xuli jirana waa ku soo duxaye
Alleylehe gunnimo daahirsade marag ma doon taaye
Markey deeqa noo curatayoon dararka dhowreyney
Oo doobigii culanay bey daqay wareemeene
Dugaag hilib bartoo waxeyna helay dacay ku dhiiglaahe
Afartaba dab bey kaga qabteen kuna daloolsheene
Dambarkeeda nimaan maali jirin dowlad ha usheegin
Ha dibaaxinina caano waa idinku deeqdaaye!

Waa Kugu Dakano

Gabaygaan waxaa uu Abshir Bacadle ku cabbirayaa ereyadii uu isaga ku yiri nin la yiraahdo Cabdi Qanje oo ay qaraabo ahaayeen, markii laga soo daayey Abshir xabsi uu ku xirnaa muddo lix bilood iyo toddoba casho, sanadkii 1988kii 1dii bishii 10aad, loona xiray diinta uu ugu gargaarayey hibadiisa Alle ku manneystey, waxaana u sabab ahaa xarigaas qaar ka mid ah qaraabadiisa isaga xigtey, sidaa darteed Cabdi Qanje oo arrintaa ka xun ayaa waxaa uu uga tacsiyeeyey Abshir arrintaa, taana waxay ku reebtey gabyaaga raad fiican oo caadifo iyo naxariis leh, isagoo arrintaa tusaaleynayana wuxuu yiri:

Wiilyahow warkaa daahan baan kuu dul marayaaye
Duruufaha adduunkiyo waqtigu dan iyo yeelkoode
Ducaan kugu hubnaa oo walley kugu duxaysaaye
Nabi Muuse waa tuu ka digay doqon abaalkeede
Waa tuu darteed uga baxsadey degaladiisiiye
Waa tuu dalaaboo ka baxay duhur dharaareede
Dad ha moodin reer Ciise waan kaaga digayaaye
Marka duul yar laga reebo oo doqon mataaneeyey
Dadka waa u hooseyn jireen daa'in abidkoode
Dabkow baxaya reer Cali Cabdaa looga diirsadaye
Carrabeyga ugu diinta xumi doqon ka kheyroone
Midaad diin u sheegtiyo midaad wax ugu deeqdaaba
Adduun bow damqanayee wanaag uma dareemaane
Waa kugu dicaayeynayaan daa'in abidkoode
Waa kugu dakano kaad mar qura wax ugu deeqdaaye
Is dalluuca waa lagu yiqiin doqon walaalkaaya
Wadaadkii dibbirayoo sidii dahabada u naaxay
Dulmiguu ku beeray dhammaan kuugu dudayaane
Dohda Gaalkacyo u muuqatiyo deexi kala dheere
Dushii dhagaxa dooxiyo Cadduun dibiryo Ceel guula
Diraacaha xiriirsadey markii roobku di'i waayey
Dalku badane dowgaab wax baa Daa'inkey badaye
Dushuu saarey aw Muxamed neef doon ahoo jabane
Daraawiishtu waagey jabtaye cadowgu daaneeyey
Sow gabayga Cali Dhuux diraye digashadaa maarag
Wadaadkii darmaan qalay wuxuu duunyo foofsadaba
Daasado ku shubey Fuud intuu meel dalooshadaye
Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye
Duuflaalka aw Maxamed helay waan ku diirsadaye
Bal dayaay wadaadkii hadduu sii dabeshadaye!

Danta Guud

Gabaygaani waxaa uu ka mid yahay gabayada ka hadlaaya dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed kaddib markii ay ku habsatay musiibo iyaga ay gacmahooda ku keensadeen, waxaana uu Abshir mariyey bilowgii 1992kii.

Deeleyda maansada markey damacdo laabtaadu
Dembi inaysan kaa raacin baa lagu dadaalaaye
Diiwaanka waxad geysataad dib ugu aaydaaye
Muslim laysku diro duul horaa naar ku daakhilaye
Dibnahaaga lama baro midaan lagu dawoobeyne
Dabna laguma sii shido inaa damiso mooyaane
Ninkaanse dhiigga daadanahayaa damaqin yeelkiisa
Oon labada daarood tan hore derejo moodaaya
Gubey kaga daydeen oo dulmi bey derejo moodeene
Rabbi hibadu ugu deeqay bay dacarku beereene
Waana inagu kala dilahayaan tan iyo deeleeye
Waa loo darsadey odayga wey nagu diraayeene
Duqii lagama reysane afkaa diidayoo nacaye
Ciilkii nadaa lamase helin dux iyo iidaane
Dibse wexey ka noqon moogiyoo Daa'inkaa garane
Dad weynow su'aal diiran baan idin dareensiine
Gartii adiga kuu daadegtaa lagu dawoobaaye
Dadkuna kuma qancaan been cadoon maro ku daahneyne
Duqii hore maxaa loo eryoon kula dagaaleyney
Dalkii iyo dadkiyo diinti buu dumiyey sow maaha!
Digtatoornimuu keenay iyo dulun cad sow maaha!
Ka daroo dibi dhalbaan aragnay iyo furuqyo daacuune
Nin walbow walaalkaa dad qala how durbaan tumine
Yaan laydin dabargoyn qabiil dowlad noqon waaye
Gobtaan didiney nabad uma deganin daharo hoodiiye
Daliil kalana waa dood yaroon idin dareensiiyey
Dadku inuyan kala maarmi karin dib u xasuusnaada
Qolona qolo ma dabargoyn kadhee weysku daganteene
Inaan dagaalkii wiil noogu dhalan dib u xasuusnaada!
Dabley dooxataa iyo Qabiil laysku dabar gooyo
Daryeel li'ida maatida dayacan lana duqeynaayo
Denbi nimaan leheynoo sidii deero lagu tuujo
Ayax bililiqoo nagu degoo diirtay beledkeena
Dagaalaan dhammaan waxaa ka roon dowlad jaa'irahe
Duqii doona ducana ugu dara waadna dilateene
Ama dowladnimo muujiyoo qurunka daaweeya
Kala doorta labadaasi waa kama danbeystiiye
Dal shisheeye duulkii mutaa dowlad wuu tabiye
Duruufihii na soo marey qalbiga waa damqinayaane
Allow yaa inoo diga markaan duqa ku yaaceyney
Allow yaa inoo diga markaan deriska riixeyney
Allow yaa inoo diga markaan ugu darraaneyney
Allow yaa inoo diga markaan dacarta beereyney
Allow yaa dersiga naga khaldamey diirad ku iftiinsha
Allow yaa dabaadiga hariyo degelka noo ceynsha
Allow yaa dabkoo idil ku rida dowlad gacanteeda
Allow yaa ninkii madax dalbada duco u raacsiiya
Allow yaa dagaalada ahliga dib uga waantooba
Allow yaa dadkii wada dhashoo laysku dacareeyey
Allow yaan mar kale daawadaa deris wanaagooda
Allow yaa dalkoo nabadgalyaa diinta ku hoggaansha
Allow yaa dersiga muqadaska ah dib ugu soo laabta
Allow yaa difaaciyo amniga dhidibadu u duuga
Allow yaa daroogiyo qabiil inaga daaweeya
Allow yaa dakanadiyo fidnada deli ka tuuryeeya
Allow yaa duruufahan ad-adag deben ka sheekeeya
Allow yaa dariis ciidan iyo dowlad mar u jeeda
Dib wax ugama sheegeen askari daa'in abidkeeye
Mana dicaayadeeyeen mas'uul qaranku doorteene
Afartaa qabiil nimuu dishoo dudaya how sheegin
Danta guud nimaan eeginoo doqona how sheegin
Dalka nimaan u dhalan kuma duxdee duulow ha u sheegin
Dad-qal dib u heshiisiinta neceb dulucda haw sheegin
Nimaan diin laheyn iyo dabley dirirsan how sheegin
Murti nimaan da'deed gaariniyo ducufo how sheegin
Afar jeeble dayn hore cunoo dabacsan how sheegin
Digtatoor dan gooniya watoo durugsan how sheegin
Nimaan dhiigga daadanahayaa damaqin how sheegin
Danbarkeeda nimaan maali jirin dowlad ha u sheegin
Dufna ku baxa wixii diidanow dib u heshiisiinta!

Aqoonyahanka

Gabaygaan waxaa laga tiriyey dadka aqoonyahanka ah oo kaalintooda waddanimo aan ka soo bixin, balse qabiil dhinac ka raacey:

Danta guud anoo ka hadlayoon doc isku buuseynin
Aqoonyahanka doorkooda gabay waa u digayaaye
Doqonnimo faan iyo dirsooc wayna daashadaye
Isku duubnidiyo wadajirkii dib ugu soo laabta
Oo jaahil yuu idin dirsane diida hadalkiisa
Jiilaalku goortuu durkoo doogga la idleysto
Oo ceesha lagu dowdamoo lagu dekeynaayo
Darkoo maran haddii deeqo iyo sulub la soo daayo
Dacda kama cabtee waa inay kugu dul meertaaye
Danbarkeeda kii maali jiray waw danqanayaaye
Wadaamaha markaan doojinoo dowliga u qabano
Dabcigeenu waa xarig markoo lagu dagaalaaye
Mase naqaano xeer dowladeed dirira mooyaane
Daftarka iyo qalimada kuwaan ugu dadaaleenay
Danbiilahana lagu soo korshiyo kimista duuduuban
Kuma diirsan daynkina ma gudin duuma laysaguye
Oo dib u heshiisiinta qaran uma dadaalaane!

Diidnay Doofaar

Sababta gabaygaan keentay waxay ahayd markii ay heshiiyeen taageerayaasha Janaraal Caydiid iyo kuwii Korneel Cabdullaahi Yuusuf, kana heshiiyeen degaannada Mudug, laakiin heshiiskaas ma noqon miduu jecleystay hoggaankii ciidamada Mareykanka ee hor kacayey halganka Yunisoom ee Soomaaliya ka waday, isaga oo Abshir arrintaa ka hadlaya taariikhdu markay aheyd 1993dii waxaa uu yiri:

Dadweynow su'aal diiran baan idin dareensiine
Gartii adiga kuu daadagtaa lagu dawoobaaye
Dadkuna kuma qancaan been cadoon mara ku daahneyne
Hadduuyan how dan gaara iyo wadan dabin inoo qoolan
Oo diinta iyo dhaqankayaga duullan ku ahaynin
Maxuu uga dagaalamahayaa dib u heshiisiinta?
Dayaaradaha Aay.Sii maxuu noogu dabandeebshey?
Maxaa raadiyaha loo dunshaye looga damagsiiyey!
Dukun daakun maxaa looga dhigay danihii Soomaali?
Maxaase Odaga kaligii ku direy waa dareen culuse
Danbigiisa maa nala tusiyo nooma daadegine
Inuu dib u xisaabtamay un bey ula dagaaleene
Anana diidnay doofaar inaan duqa ku siideyno
Alana diidyey inay nagu digtaan ducuful iimaanku
Sayid Muxamed baa nooga digay damaca gaalaade
Daruus iyo tusaaluu na faray dabac la'aaneede
Wuxuu yiri dalkayagay rabaan duumo laysaguye
Wuxuu yiri dagaal waxaan aheyn kuma dawoobaane
Wuxuu yiri markii loo dabcaba waa ka darayaane
Wuxuu yiri damiir laawayaalkay dugsanayaane
Ninka dib u xisaabtamahayana way dur jinayaane
Waxuu yiri nimaan diin laheyn dibi ka liiteeye
Waxuu yiri dir Soomaaliyeed gaala diid noqoye
Dabka u baxaya anigaa ifiya ina Daraawiishe
Anaa daarta aakhiro raboo waan dagaalamiye
Dabra weerarkaasaan ku jiri Daa'in abidkeeye
Inta ruuxu iga daynayana diiday baan orane
Muslimka iga danbeeyana kufriga wowga digayaaye.

Maxkamaddaan Ku Diirsadaye

Gabaygaan gaaban waxa uu gabyaagu ugu tala galay in uu ku muujiyo taageerada uu u hayo maxkamad Islaami ah oo ka mid ahayd maxaakiimtii ay samayn jireen qabaa'ilka qaarkood gaar ahaan maxkamadda ay hormuud u ahaayeen beesha Saleebaan ee Habar-Gidir, taasoo ka jirtay magaalada Muqdisho lana sameeyey horraantii sannadkii 1998kii. Waxaan gabaygaan ka soo guuriyey wargayska Ayaamaha ee ka soo baxa magaalada Muqdisho bogga 4aad soona baxay Axad 21ka Juun 1998kii, wuxuuna ka bilowday sidatan:

Da'dii iga yareyday maxkamaddaan ku diirsadaye
Dulmi diidna waan kugu aqiin Daa'in abidkaaye
Halkaan laga dawoobayni waa damaca keygaaye
Degaan iyo dhalyaba waxaynu nahay duul allays badaye
Dulmi diidka iyo damacu waa dab iyo baasiine
Meeshay ka biyo daysay baan idin dareensiine
Dadka iskuma nebcine damaci baad diidey leedahaye
Markaasaan dacaayad iyo cay kugu daweeyaaye
Meeshay ka biyo daysay waan idin dareensiiyey
Ninkii dow kaleeto u hayaa ha ina deeqsiiyo
Oo deelaydu waa furan tahaye gabay ha soo duubo
Docda kalena duul wada dhashay hadal madaayaane
Doqonnimo Sulaymaan maxkamad looga dumin maayo
Dadkuna ways yaqaaniin tan iyo duudi nabi Aadam
Xagga deeqda kuma fiicnidiin dirirta mooyaane
Dar Ilaahay wixii loo baxshaa dib ugu aaydaaye
Maxkamaddaasiyey nooga dumin diiday shilinkayga
Diiwaanka aakhiro ku shuba dunida yeelkeede
Durba waxay ku naaxdaayi waa dagada maalkiina
Duntiinaa wanaagsane ayida diinta nuxurkeeda
Ducaan idinku taageerayaa Daa'in abidkeeye
Doc kaleey ku lumi xoolahaad diid is leedahaye
Dagaalada ahligaa wixii ku baxay tani ka doorroone
Dadweynihiyo shacabkaa amniga doonayoo raba e
Duf ku baxa wixii diiddanoow diinta Nabigeena!

Yaa Deegaan Ah? Yaa Dool Ah?

Abshir Bacadle gabayga soo socda wuxuu ku cabbirayaa sida ay fikraddiisa ugula muuqato nolol bulshadeedka Soomaali meelo ka mid ah, gaar ahaan habka loo kala leeyahay degaannada qaarkood sida deegaannada Jubbooyinka oo dhibaato badan iyo is qabqabsi ay ka dhacaan beelaha Soomaaliyeed oo halkaa wada dega. Abwaanku halkaan dereen suugaaneed ayuu ugu muujinayaa sida uu u arko xaquuqda degaanka iyo sida xaq loogu kala leeyahay:

Diiwaanka taariikhda gabay daabacaan tirini
Ninkii dudaya yeelkiiye garsoor dow ahaan ridiye
Yaa deegaan ah, yaa dool ah baan diirka ka caddeyni
Anba doolka yimid baan ihiyo duulka soo galaye
Hirka Absame haddii aanan ku helin ma ihi deegaane
Dawankii colaadoo Jubbada hoose dananaayey
Oo doolku wadi jiray haddaa daawo loo helaye
Rag isku darahoo deegaan ahoo diin leh baa tegaye
Oon duulaan ku aadine ku tegay dalabka deegaanka
Daroogada cagaaran inteey dilatay mooyaane
Shacabku waa ku diirsaday xaqii daaha laga qaaday
War-day iyo Absame waa degaan kalase deyr weyne
Doqon-diide Cowramale, Dir iyo Sheekhaasha,
Mushunguliga xeebaha degiyo webiga daaciisa,
Hartigu waa deegaan la hubo oon ciddina diideyne
Taariikhda duugga ahi waa lama daboolaane
Siddeedani deegaan weeye haba kala danbeeyeene
Digil ya Ciis deegaan ma ahan waa deris wadaagaane
Daa'iratu Seban buu waqtigu daadihinayaaye
Waa daalac naasile Baroow damaca aashaada
Nin dool ihi hadduu qolo didshoo dega makaankooda
Oo loo daayo seban wuxuu is dhihi dowlad baa tahaye
Lama dooran, mana aha deegaan duullan buu wadaye
Asba Morgan buu didayayoo loogu dowgalaye
Ina Aadan Dheeruu ku daray kama dambeysiinee
Dubuhuu la rabay Ina Cigaal dib ugu soo laabay
Hadalaabo Hiiraale kuwo diin leh baa yimide
Ninka daadka sheegoo Rabbigeey guusha ugu deeqay
Dirkii waa Absame, kuna darsaday Daahi Caalim ahe
Yaan damac ku gelin boqol kun buu daadihinayaaye
Dibedahana meer waa digii diiday nabadiiye
Ama diinta raac waa dantaa labada daarood ba!

SHIRIB

Dad waa dool dadna waa deegaan, Deris wanaagse diidi maa
Dawanka Tigri waa damaa, Dad diin lahaa dalkoow heraa
Kornayl Hiiraale waa kudee, Kitaabka Alle kukta saar
Qabiil iyo Qaad u qeyliyoow, qowlkoodu qiima yeela maa
Barre Bax Baydhabaa xigtee, Kitaabka baahay maw bogteen?

Ri' Ka Qaada Caamada

Gabeygaan waxaa uu Abshir Bacadle mariyey sannadkii 1984kii, waxaana uu ku weerarayaa gabaygaan dariiqooyinka siiba dariiqada Rabiiciyada, waxaana ka muuqata in abwaanku isaga oo careysan tiriyey maansada sida uu ku caddeeyey tixda gudeheeda, waayo ma aha arrin sax ah in dad Muslimiin ah lagu tilmaamo ama lagu sheego riddo iyo gaalnimo si kasta oo fikradaha leysugu khilaafo.

Kitaabaha markii laysla rogey oo run laga sheegay
Waatey riddoobeen mar qura ru'asadiiniiye
Nin waliba halkii laga rabuu raali geliyaaye
Kacaankeydin raacaye wallee iguma raagteene
Markaan dibirta kugu soo ritaa layga kaa rogaye
Waxaan caro la riimaba haddaan soo ruqaansadaye
Rixladii waxbarashadu haddey soo rogaal celisey
Ragaadkii imudey wey biskadey roobna wey da'aye
Rumaatiisamkii weyga baxay ruugagga ijaraye
Halkii raranku iga gubi jiraa rays kasoo duxaye
Rag kuu helay Rabbina kuu cuskadey Ruushna waa tegaye
Ruqruqaan sigiinaan maqliyo wey rawaxayaane
Reemaha inaan kugu wadaco waa sidaan rabaye
Raan weynayaa shiyo bidcada diinla kala reebey
Rukumada in loo siibi karo maba rumesneyne
Rajaase haatan ii muuqatiyo raaxo iyo khayre
Hadba raxan hakaa leexsadeen waa sidaan rabeye
Rugta Gaalkacyood lagu raqsiyo xarunta Ruunsheelo
Ma Rusuul qarsoon baa fadhiya meeshan lagu riimo?
Rag hadday lahaayeen horay xaqa u raaceene
Rabbi baan ku dhaartiyo Allihi Raasiqa ahaaye
Ra'su diinka weli maanay garan ru'asadoodiiye
Afartiisa rubuc baan bartay ribix u haystaane
Dhaaxaa la ruugood naflaha roob ka gadateene
Ri' ka qaada caamadu hadday rara gubyoodeene
Kitaabaha markii laysla rogey oo run laga sheegay
Waatey riddoobeen mar qura ru'asadiiniiye
Nin waliba halkii laga rabuu raali geliyaaye
Kacaankeydin raacaye wallee iguma raagteen
Markaan dibirta kugu soo ritaa layga kaa rogaye
Waxaan caro la riimaba haddaa soo ruqaansadaye
Rixladii waxbarashadu haddey soo rogaal celisey
Ragaadkii imudey wey biskadey roobna wey da'aye
Romaatiisimkii weyga baxay ruugagga i jaraye
Halkii raranku iga gubi jiraa rays ka soo duxaye
Rag kuu helay Rabbina kuu cuskadey Ruushna waa tegaye
Ruqruqaan sigiinaan maqliyo rawaxayaane
Reemaha inaan kugu wadaco waa sidaan rabaye
Raan weynayaa shiyo bidcada diinta kala reebay
Rukumada in loo siibi karo maba rumeysneyne
Rajaase haatan ii muuqatiyo raaxo iyo khayre
Hadba raxan hakaa leexsadeen waa sidaan rabaye!

Sababta Ii Sheega

Waan maanso Siinley ah oo uu gabyaagu la yaabban yahay arrimo dhowr ah ee ka dhacay geeska Afrika iyo degaanno ka mid ah dunida Islaamiga, sida xiriirka ka dhexeeya dad Somaaliyeed iyo Itoobiya, sidoo kale siyaadaha reer galbeedka ee uu Mareykanka ugu horreeyo ee la xiriirta dunida Islaamka.

Siinleyda gabay waxaan ku nacey ugana sukuuday
Hadba kooxda ay saaran tahay sax uma eegaane
Siday tahayna uma fiiriyaan nuxurka suugaanta
Anna saama leyl baan u kacay sahala maahayne
Yey ku seegin maalmaha sabtiga tixaha Siinleydu
Siddo' la qabto gabay aan laheyn waa ka saahidaye
Rabbina ha iga saamaxo wixii sabaqu liisaana
Iyo sacabkii ley tumi jiroon samaha moodaayey
Afartaa si aad garan kartiin meydin solonsiiyey
Siddo la qabto mowyeelay iyo seedaan laya leexan
Saddax kalana waa midaan u sinay magaca Soomaali
Sinjiga Xabashi sidii lagu yiqiin waa ku socotaaye
Maxaa sababay gogol Soodariyo sibiqda dooloowa
Maxaa sababay Suugiyo Shilkaha saqiiradii laayey
Maxaa sababay saadaasha xune Xabashi loo seexday
Maxaa sababay gaal seyn lohoo siqaya ciiddeenna
Maxaa sababay kumanyaal sirdoon Sababa loo geeyey
Maxaa sababey oo lacag saqrada Sanaawi loo siiyey
Maxaa sababey Soomaali qaar Xabashi soo raacdey
Sirdoonkii Israa'iil maxaa Sababa loo geeyey?
Maxaa calanka Soomaaliyeed Xabashiguu siibay
Waa Su'aal ma doonaa la yiri sadarka muuqdaaye
Cabdi Majiid hadduu suuxayoo dhaawacmoo sirirey
Isxaaq Rabiin muxuu ugu safriyey saba Yahuudeedka
Saxwada diinta maxay uga cawdeen sanad Mareykaanku
Muxuu Kilinton saad ugu baxshaa sababo diimeedka
Maxay Suufiga u jecel yihiin selefna ceebeeyay
Suudaan maxey galabsadeen waa su'aal culuse?
Seddex gees dagaal ehey kufrigu saf ugu qaadeene
Oo hub iyo saanad u heleen kuna siqaayaane
Waxaa sababay diintii Alley sara u qaadeen dhe
Waxay Carabi sugayaan ma garan saxal Alloow keenye
Sidey ku habbooneyd iyo baldaa saamigaan rabaye
Haddey subax ka yaacaan Yuu.En-ada lama saluugeene
Sahyuuniyadda gurigeedi bay kharashka siiyaasne
Markaasaa Fiito laga saarayaa samafalkoodiiye
Seetaa Ciraaq lagu qabbirey sagaashamaadkiiye
Nimcadii Eebbehey siiyey bay qalinka saareene
Khaliijiguna sacabkuu u tumay gaalka seynta lehe
Sinji waa maguuraanoo waa suu ahaan jiraye
Sayid Maxamadoo difirayaad sahay u diideene
Siddeetan iyo lix guuradiina waa jananka Suudaane
Sal iyo baar anaa idin aqaan salafka mooyaane
Adigoon cimaamado sumadda madaxa ii saaran
Kala saar Sunnada iyo bidcada ha isku suugeyne
Waxba gabaygu yuu ila sidbane waxaan ku seeteeyey
Soddon dowladoodoo Muslimoo hub iyo saad heysta
Sanka waxay Yuhuudi uga duri sababta ii sheega
Suudaani waa Carab Muslima saan ogsoonahaye
Sunnihiyo kitaabkii Alley madaxa saarteene
Saddexda gaal waxay ugu kulmeen sababta ii sheega
Siyaasiintii Soodare tagoo Senaawi sooryeeyey
Waxay Dooloow uga saakideen sababta ii sheega!
Dad saboola oo silicsanoo sahay yar loo keenay
Dekaddiyo goroonkina sakiray Sababta ii sheega
Soomaali anigaa xukuma suluxna waa diiday
Saddexda raadiyana waa ogyahay sababta ii sheega?
Dadku wuxuu u seeteysan yahay toban siyaasiine
Culimadu waxay ula socdaan sababta yey sheega?

Saar Hindi

Gabaygaan waxaa la tiriyey 17kii Oktoobar 1997kii, maalintii Jimcaha oo ay isugu tageen beesha Sacad, labadooda qaybood Jaamaca Ummadda meeshii ahaan jirtay, si ay u heshiiyaan. Kulankaas waxaa uu ku dhammaaday jawi nabadeed oo ay ka muuqatay is jeceyl iyo ka shalleyti wixii la soo maray ee hore oo khilaafaad iyo dagaalba ahaa.

Taariikhda sooyaalka ahe Sacad ku naaloodo
Soddonkii fac sharafkaan sidnaad sahal u laaddeene
Sinji waxaanan u lahaynna waad nagu saxiixdeene
Sanka iskama duraan laba simane waysku siranteene
Towfiiq Allaha noo saqiro way nasidataaye
Waagii siyaasada cusubi Sacad ka waynaatay
Oo saar Hindigu nagu dhacoon samada eegaynay
Cumar Dheer kuwii sababayna aan daba saqleynaynay
Kuwaan uurka wada seexanana sulux ku sheegaynay
Waxay sababtay gacal aan hub sidan suuqa ku ogaarso
Iyo inaan Saciim wayno oo Sacad agoontoobo
Waxba gabaygu yuu ila sidbane waxaan ku seeteeyey
Sidii la arki jiray curadku waa lama saluugaane
Waxay noo saxiixaanna waa samiyo kheyraade
Sinji dhaannimana lama rabee Sacadow taageera.

Sacadow Yeelkaa

Gabaygaan waxaa uu gabyaagu tiriyey maalmihii ugu danbeeyey ee aanu buuggaan ka shaqeyneyney daabacaddii koowaad, ka dib markii aan arkey gabyaaga beeshiisa oo ka lugjiideysa taageeridda dowladdii lagu soo dhisay Carte ee dalka Jabuuti oo uu hoggaaminayey Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Sayn xaarle sayr sayrisee Sacadow yeelkiinna
Soomaali waa kala tagteen sucamadoodiiye
Sagaal iyo sideed Digil iyo Mirif kala socdaasheene
Sama talis Xawaadliyo Abgaal kuuma uursama'e
Saddax iyo Sagaal Murusadana waa sidoo kala'e
Suleemaan iyo Dudublana horaad sulux ku sheegteene
Sacad Cayr ka harayow ciddaad sugi aduunbaa og!

Shirib

Soomaalaa sowd ku dooratee sokeeye diidey sayrabaan?
Umadu waa oggol yihiin adduun kuna waa aqoonsadeen
Aqri badeena waa yihiin abaalna waa u erganaay
Itaalna waysku ag dhacnaa idinna wayla ogtihiin!

Qabrigii Isugu Jiray

Maansadaan waxay ka mid tahay maansooyinkii ugu danbeeyey ee abwaanku tiriyey inta aanu ka tagin adduunka, waana maansooyinka uu ugu jeclaa waayo waxaa uu kaga hadlayaa dhimashada iyo wixii ka danbeeyey waana gabey wacdi iyo waano ah.

Sagaashan iyo dhowr sano haddaan samo ku noolaado
Sakaraatul mood baa ku xigi subax aan dheereyne
Hadduu ruuxa iga siibo Malag amar cad loo siiyey
Oo saaqba saaq lagu duwoo mara cad lay saaro
Waxay igu samiyi magac cusuboo aan i soo marine
Sidaa yeela meydkey i oran saacad dabadeede
Sariirtaydi bay iga beddeli saxar la'da ahayde
Qabrigii i sugi jiray haddii midig la ii seexsho
Saddax xarar haddii lay dul suroo jaqafyo lay saaro
Oo ciidda igu soo rogaan ahalyo saaxiibo
Oo saabaanka leyga ceshadoo la iga sii yaaco
Oo kaligey aan soo haraan laba sugaayaaye
Ilaahayow su'aalaha qabriga aanan sixi waayin
Allow igu sug towxiidka oo Nabigi hay seejin
Siraadkiyo qiyaamana Allow haygu saran seerin.

Baabuurta Bii.El-ka

Sihiinaan aqaan Bii.El-oow saad u badan tiine
Sare u fuul sikiyo sociyo joog waad ka sinantiine
Qof soo socota waa sugi yaqaan sanuud jeceelkiisa
Salka intaadan dhiginow misana sibiq dhaqaaqaaye
Soo kala firee waa yaqaan sabadiyood gaarin
Ka koo degiyo baabuurkan saar kama sariigtaane
Gaariga sidii suus galey nalaku soo beegay
Saf waliba markaad buuxisoo surumadii goysey
Sufurtaa madooboo ilkaha saaran baan garane
Sigaar nugu shiidoo buufiyoo qaaca nagu sayri
Sanka ugu shub duulaan cabeen sun iyo waabayda
Sannudiina waa naga gurteen saaraqnimadooda
Halkaa sahansatana waa iney hor uga siibtaane.

Maxay Ahlu Towxiidku Sugi?

Gabaygaan soo socda waxaa uu Abshir Bacadle ku difaacayaa Nabigeena Muxammed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, kaddib markii ay af lagaadeeyeen dadyow dhowr ah sida caadada gaalada neceb nabigeena ahaan jirtey taariikh ahaan. Laakiin Abshir Bacadle waxaa gabayga haatan ku qasbey kadib markii aflagaaddada Nebigeenna ku timid sawir ahaan oo ay ku muujiyeen wargeysyada caalamka qaar ka mid ah, sida wargeys ka soo baxa dalka Denmaak, Noorwey iyo Iswiidan. Inkastoo Bacadle uusan ka mid ahayn Muslimiintii ku nooleed aagagga Nabiga laga af lagaaddeeyey haddane dareenkiisa suugaaneed ayuu ku caddeenayaa sida uu uga xun yahay cayda Nabiga, kuna muujinayaa arrinkaa hab suugaaneed oo aad u sarreysa, taana waa sidii lagu yiqiin halyeeyada iyo abwaannada Muslimiinta ah marka loo eego taariikhdeena Islaamka. Abwaanka oo aad iyo aad u careysan wuxuu ku billaabayaa gabaygiisa, shiribka iyo geeraarka ka danbeeyaba sidatan:

Maxay Ahlu Towxiidku sugi waa su'aal furane?
Sanka miyaa bir laga galiyayoo seeto lagu taagay
Suddan miyaa qalbiga nooga xiran samaha diideysa
Cawinaad miyaa nalagu sabay sun iyo dhuunkaal ah
Ma wax Nabigii lagu seejiyaa gacanta loo saaray
Waxay sahala ugu eegayaan waa saqiifnimo e
Usaamiyo Sarkhaawiba walley naga saxnaayeen!
Haddaan labadaa saacidi lahayn sidan ma joogneene
Ninkii xaar u seyriyay samada wuu ku soo noqone
Iyana saafi madaxiisina suuli buu noqone
Sakhiifkii Nabiga caayayow saa umbaa tahaye
Nabigii saafi adigana bir baan kula sugeynaaye
Seeftii Sarqaawoo sahneyd saa laguu mariye
Wixii aad sahaala u qortaa joogi sababtaada
Sakhiifna waxaa ah gaal seyn lahoo Suubbanihi caayay
Kuwii Sanam Ilaah moodayoo una sujuudaayey
Suubanaha iney caayayaan safiihigaa mooge
Nin liwaadka suubbiya unbaa suubanaha caaya!
Nin Ilaahay seejiyey xaqaa suubanaha caaya
Suddan jannada ninkii looga xiraa suubanaha caaya
Sagaashan oday nin loo gubay unbaa suubanaha caaya
Ninkii Hooyadii saartay baa suubanaha caaya
Nin saqiir liwaaday unbaa suubanaha caaya
Nin walaashi xabad saaray baa suubanaha caaya
Qalinkiisi baa sabab u noqon saala weynaha e
Inuu seexan waayaa la badi saahir buu noqone
Afka wuxuu ka sii deynayaa sun iyo dhuunkaale
Markii Aydhiskii saaqay buu suubanaha caayay
Hadba wuxuu ku salalaa raggii saartay oo kuday
Haddii daba saliid iyo khaniis suubbanihi caayay
Maxey Ahlu-Towxiidku sugi waa su'aal furane
Salka may ka gooyaan kufriga subax khamiisaad
Sallallaahu Nabigu ha farxo subax isniinaade
Ilaahay shafeecaduu u sugay waa naloo sixiye
Sallallaahu Nabigeeniyoo saa la yeelahayo
Nafta haddaanan mowdka u sallimin seegnay taladiiye
Shafaacaduna sahal ma aha ee seefta wada qaata
In Ilaahay nagu sugo xaqana saamaleyl kacaya
Ka saahida adduunyada naftana siiya Nabigeenna
Raggii seef isaga dhigoo wadnaha lagaga soo saaray
Oo Uxud sidaa loo wariyo sahanki maan raacno
Sukhrufkaan adduunyadana maan saahid ka ahaano
Oo maan nolol sidaan nahay ka roon seefta lagu doono
Silcatallaahi qaaliya muwaan saabka lagu haynin
Warhooy maa jannada loo sacyiyo saan u gadanaaba
Suddan miyaa qalbiga nooga xiran saatirkaa faxane!
Safar baa dunida lagu yahoo waan ka soconaaye
Saad kheyr leh weeyaan wallee hiilka suubbanuhu
Naf jannadi lagaa siistay baa sahan u kheyr roone
Niman yahow su'aalo aan hayoon sugi jawaabtooda
Goormaa nalaka saamaxay jihaad waa su'aal furane!
Surka miyaan la goyneyn kufriga suubbanaha caayey?
Saxan saxo udgooniyo jannadi sow la sugi maayo?
Adigoo dilkooda u sacyiyey oo niyada saaray
Surka haddii lagaa jaro jannaad sugi Inshaa Allaahu
Sariirihii jannada iyo aroos suubban baad heli
Nimco aan lagaa saarinoon suulin baad heli
Naftoo waaritaan loo sugiyo sixiyo liibaan leh
Saxan saxo udoon Xuurul-Ciin wada suleekhaahe
Sanka taad ku qabatiyo shafkana aadan saluugeynin.

Shirib

Samadaad xaar u seyriseen, Nabiga suuban waa saliim.

Cayda Suubbanaha (Geeraar)

Waa maanso kale uu ku difaacaya Nebigeenii – naxariis iyo nabadgelyo koriisa ha ahaatee – oo la mid ah kii horey. Maansadu waxay leedahay:

Gaalada Suubbane cayday
Oo Ilaahay saddaxeysay
Oo Kitaabkii suuli ku tuurtay
Oo Ciraaq siday yeeshay
Afgaanistaan ku sameysay
Annana noo sahaneysa
Nabaddaan ka sugeyno
Horta maysa su'aalay?
Saaxiriinta Denmaak
Holan oon ka sokeynin
Iyo Noorweeyoo saddaxeysa
Caanahooda suntaa
Yaan carruurta la siinin
Kuwii suubbanaheenna
Sawir fool xun u yeelay
Oo Ilaah saddaxeeyey
Saddexdaa waddanoo
Geeraarka aan ku sifeeyey
Caanahoodu sumooboo
Sawirkey bixiyeen baa
Suubanihii ku habaaray
Caanahooda sumeysan
Carruurtaada ha siinin
Waa su'aashi labaade
Anigu aan hub sameysto
Isticmaarna ku saaro
Adna ha igu sameysan
Sharcigaana sidaasa
Anigaana saxiixay
Waa inaad sabcisiin
Yuhuuddu waa saxanyiin
Waa la saacidayaa
Falastiin hala seemo
Sideedaa ha ahaato
Anigaana saxiixay
Sidaa aan u asiibay
Waa in loo sabciyaa.

Shirib

Waa Sheekh Shariif-ya Shuuradii iyo Shabaabki sheeganaay.

Wixii Sabcaayey Saaxiboow (Shirib)

Waa shirib uu Abwaan Abshir Bacadle ku cabbirayo sida uu isagu u arkayey xaaladda magaalada Muqdisho iyo gabi ahaanba dalka Soomaaliyeed marayey waqtii uu hoggaaminayey Shiikh Shariif Shiikh Axmed dowladda Soomaaliyeed. Halkaan Bacadle wuxuu sawirayaa labo qofood iyo dood suugaaneed dhax mareyso, sida labo qofood oo ka soo kala jeedo beelaha Abgaal iyo Habar Gidir, wuxuuna abwaanka yiri:

Goobtii 1aad

Siyuum Masfin ma sow Rabaa, Sagaal Abgaal ku saacideen.
Wixii Sabcaayey Saaxibow, Sacad iyo suul hartow badnaay.
Walax la soocoo suntanaay, Sagaal Abgaal u saari maa

Sayuun Masfin Sali uu fidshaa, waa siryo safar Macsiyeed
Sowdkoo dhan waa la sajilee, Saxiixayaalku waa siyeed
Nin soo Soohdintiini suntadoo, saxiix rabaa ku saacideen.

Salaaxaan iyo Soohdintaan, Waxaad saxiixdeen seddex Joor?
Sowd Beena lama Suubsadee, bal ii sifee Seddexda Joor?

Saban Talyaanigii iyo, Salaad Gabeyriyo Yunusom.
Salaad Gabeyre yaa Suntoo Siyaad u Dhiibay Saq dhexaad?

Goobtii 2aad

Aleylehe Axmed Diiriyow, Afhayeen waa astaahishaa.
Axmed Ragaa ku aadanoo, Shirkaan abaabulee ogaaw.
Inkirimaayi arrinkaas adaana ugu Owr-sanaay.
Isim ka sheeg Abgaal Cusmaan, aan Sheekh Cabdi Iimaan eheen?
Aftahan Cabdullaahi Shiikh, aqoonyahankii Geedi Owr.
Amiiradaaynii Es.Es.Ee, ma waadan Abshirow aqoon.
Es.Es.Ee iyo Es.En.Ee, Ma aqbalaan Axkaamu diin.
Imaamyadii iyo reer Ugaas Waxaa aqbalay Geedi Owr.
Adyaa ku baray Geedi Owr Adeege Daa'uud maa eheed

Goobtii 3aad

Qaybtaan shiribka ah ee soo socota waxaa uu Abshir ku cabbirayaa dood ay is weydaarsanayaan maxaakiimtii uu hoggaaminayey Sheekh Shariif Shiikh Axmed iyo dowladdii uu ra'iisul wasaare ka ahaa Cali Maxamed Geeddi wuxuuna yiri:

Maxkamadaha: Haddey Tigreegu kaa tagaan tatoonyadeena waa taqaan
Dowladda ku-Meel-Gaarka: Tegi maayaan intaan talaa amase leydin tir tiraa
Maxkamadaha: Waxaa Tigree ku tashatiin inaan tumaatiyey tegee
Dowladda ku-Meel-Gaarka: Tigree iyo Taangi waa tolkeey idinse waa i toogateen
Maxkamadaha: Timir kastaa lafaa dhex taal Tigreena deked waa tabee
Dowladda ku-Meel-Gaarka: Tigreegaan leyga taabamaa intaan ka tabareysahaa
Maxkamadaha: Ma taada kulalihiyaa teydana leyga taaban maa
KMG: Adna tawakal calalaah ana Tigreeya Taangigaan
Maxkamadaha: Taariikh madowya towbad seeg Tigreena beriyow tegaa
KMG: Talada Tigree kuuma taal taruurixi tuuryo nacaseed
Maxkamadaha: Tigree iyo Taangi waa tageen taariikh madowse tirmi mee

Goobtii 4aad

Qeybta afraad ee shiribka Abshir Bacadle waxay tilmaameysaa hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho iyo dhaqankoodii

Habaar aruurayaa heloo hoggaamiye kooxeedyo waa hereen
Hoggaamiyeyaalkii halgankaan kan u habaaran H ku sheeg?
Anow horreeyey Heer habaar ninkii ku hadlay waa heshaa
Halkaanu heyb kalow galaa Heer madmadoobe H ku sheeg?
Hal haadiyo hal heybihaa iyo hal hundhurey naqdeen
Halgankii haaman dhiig ahaay Mo how ku hoobtay H ku sheeg?
Ha igu sheegin halgankaas Hal odayaa ka soo heree
Halkaana wax yarow heree hoggaanka rag ma loo hayaa?
Hoggaanka duul hanuunsanoo Kutaabka heystaa loo hayaa.

Goobtii 5aad

Qaybta 5aad ee shiribka waxaa uu Bacadle ka hadlayaa xaaladaha adag ee dalka Soomaaliya marayo, gaar ahaan khilaafaadka iyo dagaallada ka dhexeeya saaxiibbadii Islaamiyiinta ee ka soo wada horjeedey iska Itoobiya iyo dowladdii Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayay korneel Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Waa Sheekh Shariif-ya Shuuradii iyo shabaabki sheeganaay
Sidaa u sheegtay Shaabad saar Hal shaqsi la shareysamaa.

Bidci Sugulle

Gabaygan waxa uu Abshir tiriyey markii lagu eedeeyey inuusan xusin Alla barina u sameenin aabbihiis, isago oo eeddaas jawaab ka bixinaya waxa uu yiri:

Anoo dharabta jiifaa la yiri dhimay adoogaaye
Dhudhunkayga goortuu alluhu igu dhaqaaleeyey
Waataan dhismaha jaarigaa dhidibbadow aasay
Oo waataan xajkiisii dhigoo duco u dheereeyey
Dhismo khayr leh goortaan arkaan dhagax u saaraaye
Oo goortaan wejiga dhigo ducaan dhag uga siiyaaye
Ilaahow u dhaaftaan Kacbada uga dhawaaqaayey
Waatay ilmada iga dhacdaa dhabannadey qoysey
Waxaan dhiibay iyo ducaba wuu dhuran adoogeeye
Inshaa Allaahu way soo dhunkaday ducana soo dhiibye
Bidci Sugulle ceesaan u dhigay ha'i dhaleeceeyo
Oo haygu dhaho maad qabriga dhagax ku siineysid
Oo dhiigga maad keentid meel Sacad ku dhaanteeyo
Dhowrtada habruhu guriga waa kala dhaqaaqaane
Mid waliba intay dhiibatay dhag isku siisaaye
Taasaad u dhigantiin anoon idin ku dheeraane
Ku dhibtoo miskiin toban u dhaxay maalin soo dherege
Dhidhiimada waxaad ula korteen yeyga dhaadhiciya
Ood dhiigga ula doonateen badaha dheeggooda
Intiinnii wax dhiidhiibataa dhuunigu cunnaye
Muxuu Malaggu kuu dhigi miskiin lagala dheeraaye!

Nin Dhaliila Yeelkii

Gabaygaan waxaa lagu tiriyey dalka Sacuudiga kaddib markii ay ku xumeeyeen dadka qaarkiis, Abshir xaalada adag ee dhaqaale ee uu markaas soo foodsaartey oo aad hoos ugu dhacday. Waxaana arrintaa sabab looga dhigay sadaqada iyo kaalmada uu siinayey Abshir qaraabadiisa iyo kuwo kalaba oo mudnaa kaalmadaas:

Ilaahayow waxaan xoolo dhaqay amase dhoodhoobay
Dhudhunkayga kuma xoojin karin soomanaan dhicine
Adaa igu dhaqaalaynayee hayga dhaxal guurin
Oo ha u dhabeyn hadal bakhiil igu dhaleeceeyey
Dhacdhacayga iyo khayrku ways dhinac ordaayeene
Inaan dheelli tiray baan u qabay labada dhoomoode
Wali sooma dhigan maamulkay dhagari kaa raacday
Inta uu awowgay dhaliyo dhaxal wadaaggooda
Nin Ilaah u dhaqay iyo nimuu dhagax ka saaraaba
Dhaqdhaqaaq inay suubiyaan waan ku dhiidhiyaye
Nin dhaliile yeelkii hadduu dhibayo muxiisu
Haddiise aan agoon dhaxan tiraye fuqur dhaqaaleeyey
Ama aan mid boqol iigu dhegay kuman u dheereeyey
Oo uu tillaabada la dhacay hayga dhaxal guurin
Oo ha u dhabbayn hadal bakhiil igu dhaleeceeyey
Nin habeeno ii soo dhaxaye dhalasho ii sheegtay
Oo koobkii aan soo hor dhigay dhuunta marin waayay
Oo igula dhici waayay hadal dhibaya ruuxiisa
Oo oraahdii uu dhihi lahaa dhowr mar la hingooday
Oo aniga iga dhowrayee dhegaha laalaadshey
Haddii aan dhinbilihii ka jaray dhibayey ruuxiisa
Oo aan dhibkiisii xaliyey hayga dhaxal guurin
Oo ha u dhabeyn hadal bakhiil igu dhaleeceeyey
Dhux dhux been ahoo waxay maqleen laygu dhaawacaye
Dhanbaalay ku soo wada direen maynagaan dhihine
Nin dhiidhiibay dhaxal beelyey bey dhaar ku marayaane
Dhoolaha maroodiga xayiga loogu dhici waayey
Maantuu dhintaa kii helaa dhalaq ka siiyaaye
Taasaa u dhigan tiin anoon idinku dheeraane
Dhoolaha ku muda lacagta yaan la' idin dhaafsiine
Markaan dhimano kii laga manciyey sow ma dhici doono
Oo sow dhaxal uumaan helin waxay dhiibtay midigtaydu
Ha dhammaato waligeedna yay dhaqan carruurtaydu
Rabbi baan ku dhaafaye si wacan ha u dhaqaaleeyo
Anna waysu dhiibaye Jannada hayga dhaxal siiyo!

Dhagarna Haw Qaadan

Kaddib markii uu arkay abwaanku dhaqanka hoggaamiyaalka jabhadaha iyo dhallinta ay lumiyeen oo ay adduun iyo aakhiraba gafsiiyeen kana dhigteen sida xaabada dabka lagu shido oo kale ayuu iswaydiiyey maxay nimankaa siiyeen wiilashaa da'da yar oo ay u sameeyeen, waxaase u soo baxday inayna waxba siin, laakiin xaalku yahay sida gabaygaan ku cad oo uu ku cabbiray gabyaaga xaaladda dhabta ah.

Ka dhaqaaji labadii ku dhalay dhagarna haw qaadan
Dhib haw arag wixii aan ku dhaho dhagarna haw qaadan
Ri'da dhuunta goo dhariga jabi dhagarna haw qaadan
Badda soo dhuroo soo dhamee dhagarna haw qaadan
Dharkeenkaa cab lagu dhiman mayee dhagarna haw qaadan
Dhudhumada is jebi dhuuxa fago dhagarna how qaadan
Dhiig joojin haysugu dhawaan dhagarna how qaadan
Sidii inaadan dhimanayn u dhaqan dhagarna how qaadan
Dhabbahaa mar adigoon dhar wad an dhagarna how qaadan
Dhur iyo dhaqan dhashiikaha ka dhigo dhagarna how qaadan
Dhuunkaal qasoo dhab isku sii dhagarna how qaadan
Dhanbaalkaad dirtaba diin ka dhowr dhagarna haw qaadan
Dhaqso hayga filin dheef iyo khayr dhagarna haw qaadan
Cid i dhaanta how dhega nuglaan dhagarna how qaadan
Ku dhaad dhaado kii guri dhistaba dhagarna how qaadan
Dhaankayagii dhiig buu sidaa dhagarna how qaadan
Nin dhiirrani dagaal kuma dhintee dhagarna how qaadan
Halgankeeni waa miro dhalee dhagarna how qaadan
Dhib iyo dheefba aniga iga dhowr dhagarna how qaadan
U dhimanmaysid wixii kugu dhacaa dhagarna how qaadan
Halgan aan dhammaaneyn u dhimo dhagarna how qaadan
Dhufeyska iyo dhiilaba ku dhaqan dhagarna how qaadan
Dhibka qaabiloo dhabar adeeg dhagarna how qaadan

Shirib

Ku dhax jir dhibya dhiig Islaam ka dhur sug halgan aan dhammaan
Dhib joogtaahoon dhammaad lahayn ka dhex bax how dhega nuglaan!

Sicir Bararka

Gabaygaan gaaban Abshir waxa uu ku baraarujinayaa dadweynaha oo ka danqan waayey dhibaatada ganacsatada qaarkood ay ku hayaan dhaqaalaha dalka, gaar ahaan keenista lacag been abuur ah, nabad guurinta deegaanka, dhoofinta xoolaha dhedigga ah iyo xaalufaynta dalka.

Shacabyohow dhegaha daarsadoon dhimanoo noleyni
Silingahana laga dhaansadoo dhiigi laga miirtey
I dhageysta wixii idunku dhaca dhab uma eegtiine
Ragga dhaqanka Maafiyada iyo dhagarta caadeystey
Dhulkeenana nabaad guurriyoo dhaxalki aafeeyey
Sicir bararka dhabalkaa raggaa dhiiri gelinaaya
Dhadigga iyo maartiyo raggaa dhuxusha iib geeyey
Maatadana dhabar jebiyayoo dhuunta kala gooyey
Haddey Faalsadu u dhaqan gashoo leyska dhicin waayo
Maxaan gabey ka dhihi idinki baan dhimanoo nooleyne!

Shirib

Kuwa dhuxusha dhoofiyoow dhulkayna dhiig bixiisiyoow
Carab dhirtoodu woow dhigaal idinna waa u dhoofiseen
Dhadigga xaad u dhoofisiin dhug iyo dhiig mawaad laheen
Wax isma dhaanto dhiiranaa ma dhib kalaa dadkuu dhinaay
Sicir bararka suuqa yaal ninkii sababayoow sumow.

Ii Dhiib Darbaalada

Gabaygaan waxaa uu mariyey abwaanku sanadkii 1983kii, kadib markii ay soo gaartey dhaliil ah in gabaygiisu gabey reer magaal yahay kuna badan afka ama erayada ajnabiga, dhaqanka baadiyahana ku yar yahay, sidaas darteed Abshir waxaa uu tixdaan gaaban ku caddeenayaa inuu yahay dhaqan xanbaar aqoontiisa dhaqanka iyo xaaladaha baadiyahana wali ku xiran.

Ii dhiib darbaaladu miyiga dhaxalgal weeyaane
Dhibkii loo qabaan garanayaa dhowr maroon tegaye
Dhafarkiyo hogmaankiyo mareegtay u dhigantaaye
Abjad rara dhamaatey iyo cows dhabal ah weeyaane
Dhoomaha biyaha lagu shubtiyo xeeradiyo dhiisha
Dhigihiyo udbaha iyo raradu dhaxal gal weeyaane
Tebadaha dhigaalkiyo qunbaha sarafka dhaaxeela
Calalada dhammaaday kabdaha dhag isku siiyaane
Dhismaha aqalku waa udubka iyo xariga dhaabaaye
Dhigihiyo rarada iyo jarcada dheegga laga saaro
Iyo qalabka dhaqankoo yaryare la isku dhiidhiibo
Dhirta udugga iyo daahyadiyo gogol dhig maamuuska
Dhurre iyo wadaan iyo qabaal tabaha dhaan showga
Dhigta loola iyo bal iska daa raarka dhinacaahe
Udbaha aqalka lagu dhaabo iyo xariga dheer daaye
Dhagaatigu hadduu go'o baryaa lagu dhibtoodaaye
Dhibka aadmigay reer miyigu dhaxal u haystaane!

Mar Aan Ciidan Kuu Helo

Gabaygan waxaa uu gabyaagu kaga hadlayaa dariiqada la yiraahdo Rabiiciya (ama Timoweynta) oo ka jirta gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya gaar ahaan gobolka Nugaal, waxaana ka muuqata caddaalo darro, waayo abwaanka waxaa uu cabirayaa ra'yiga qolada uu ka hadlayo oo laga yaabo ineysan ku raacsaneen arrimaha uu ku sheegayo ama qaarkoodba.

Dalkastaaba culimaa jirtiyo caado gooniyahe
Halkaan calanka soo mudano waa nala ciseeyaaye
Raggii inagu caasiyay Nugaal waa ka carareene
Carruurtii markey waalatoo duunyo cirib beeshay
Oon cudur kusoo deyney bey na citiraafeene
Markay nagu cabaaddeena waa celinay jaankiiye
Casarkii wan aan aragnayoo caan ah baa jiray e
Calafkiina ma'ahoo kolley calashan maysiine
Cashar kaan tufnaa kaaga roon neef lagaa cunoye
Caatada hortaa saw xareed kuuma cabi doonto
Ilaahayow Casiisow wax baan kaa codsanayaaye
Allow hayga soo celin addoon kuu cabtaan ahaye
Cid kaloon u yeertaayi waa caro Ilaaheeye
Waxaan ciidan kula tuugi jiray caanad laga waaye
Cabdulqaadir laga quusay iyo culimadeeniiye
Maxaa Jabarti ii ciil tiraa ceyri taag ma lehe
Cirka baaqday xoolaha cashiyey saraca ceyn guurey
Iyo coofaf weyntiyo bidcada calanka noo qaatey
Markaan adiga kugu caasinnaad nagu ciqaabtaaye
Carruuraha markaan qalan tegnaan kugu cabaadnaaye
Allow curiye noo hoori wey calawday laabtiiye
Anigoo carruur waxaan ku habo coodka laga waayey
Oo aan caddeys loo dhex gelin caano kale daaye
Oon caatadiisii ku waray cidaha bowdkooda
Oo aan cirkii fiiriyoo caadna laga waayey
Cinjirkii markay xagatayaa calawday laabtayda
Wankaan iri cad kuma deeqayee carab haloo dhoofsho
Oo waxay cunaan iyo usii calal maraykaan ah
Cafaaridan soo doonataye caaway i hor joogta
Oo inay cunaan doonayey calawdey laabteydu
Haddiise aan caqliga layga tabin caadilku i siiyey
Waxba haw cahleynina wallaan layga cunahayne
Oo ha i cabsiinina ma'ihi caamo dhago weyne
Caqlise kugu kacshaa iyo dagaal kugu caddeeyaaba
Iyo dawlad caadil ah Alluhu igu ciseeyaaba
Mar aan ciidan kuu helo Nugaal waad caburiseene!

Geelle (Geeraar)

Geeraarkaan waxa uu abwaan Abshir Bacadle mariyey bilowgii shirkii Jabuuti 1999kii illaa 2000 ee dib u heshiisiinta Soomaaliya kaas uu ku ammaanayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dowladdiisa sida ay uga danqadeen walaalahood Soomaaliyeed ee ku habsatey musiibada collaadda daba dheeraatey.

Ismaaciil Cumar Geelle
Warka siduu u caddeeyoo
U caloola qufeeyeyoo
Cadku noogu dhaqaaqay
Shacabka wow cuntamaysoo
Cindigay ka rabeenoo
Caddaaladey la dhaceenoo
Colaaddey nacayaane
Inta dhiigga ku cayshtoo
Kaligood caqligaa
Iyo reer Cartan jaahil
Warkaa waa ka caroodeen
Habeenkaa ciil lama seexan
Caddaaladaana dhibaysoo
Colaadey ka helaan
Qof kastoo caqligiisa
Caadilkay u dhameeyoow
Ismaaciil Cumar Geelle
Carruurtaada u sheeg
Ku caddeeya qoraallo

Shirib

Ismaaciil codka noogu yaal Carabiyo Cajami nooga roon!

Caado Jaahili

Cinwaanka gabeyga ayaa ku cad abwaanka waxa uu kaga hadlayo maansadaan oo ku aaddan waxyaalaha khilaafsan diinta Islaamka kuwaa oo u badan caado iyo dhaqan aan diinta sal iyo baarba ku laheen, laakiin hadal abwaanka waxaa uu u socdaa dhanka caqiidada iyo akhlaaqda suubban, sida xijaabka iyo dhowrsanaanta xummaanta laga dhowrsado.

Nimanyahow waxaan la cajabaye ii cuntami waayey
Nin caqli lihi diintiisa waa ku cibra qaataaye
Afar culimadeenii qabtoo caamada u dhiibtay
Oo caado jaahili ah oo caro Ilaahey leh
Oo lagu cadaab mudanayoo ceebi ku idlaatey
Markuu caafimaad qabay ninkii cunayey maalkeenna
Oo cudur ku dhacay iyo xanuun caafin kari waayey
Markaan calal ku duuduubnayoon ciidda hoos geliney
Siduu aniga ii caawiyaa way cuntami weydey;
Cudurdaar ma jiro aakhiree haatanba caddeyso
Ha collaysan diintaadi baan kuu casbirayaaye
Ha caadeysan waxaan Eebbahay diinta ku caddeynin
Waxa meesha kugu cubahayaa waa casabadiiye
Calalkaa yar bey kugu xireen kuguna ceejeene
Culayskey ku saareenba wuu kuu cadaab noqone
Gidaar kaad cagaynaysid bey kugu cabeeyeene
Cilaaqaadki wey kuu jareen caawa dabadeede
Cidqaadki aad qabi jidheen kala carawdeene
Ciriiriga halkaa yaala wey kugu cidleeyeene
Caruurtaadi bey dhacahayaan culimadoodiiye
Cabdulqaadir kaad wacan jidheen naar ha kaa ciliyo
Caqiidada nimaan toosinoow haba cibaadaysan
Ciiryaamo roob maaha ee ha isku ceebeynin;
Inta aad cadaabkii ka tegi carunka muudmuudso
Cafina kuuma diiddani hadduu Caadil kuu qoraye
Nimanyohow waxaan la cajabaye ii cuntami waayey
Oon gogosha ciil kala kocoon caro lasoo toosay
Caariyadda iyo biidka yaan laga careysiinin
Oo waa caruuraan dhallaye ceebta ka ilaasha
Cafiifooyinkiyo daacigana cayriyoo jebiya
Cowrada middii dedatayoo calal kusii daysay
Oo aan cidnana maagahayn diintana ciseysey
Waxaad kula collowdee u tiri cayriyoo jebiya!
Adduunyadana ceeb aakhirana caro Ilaahay dheh
Kuman yaal carruurtii ka tegey cunay raggoodiina
Oo waalidkood caasiyoo caaya deriskooda
Afkey soo caseystaan sidey carun ka daaleene
Ciddiyaha haddey kugu saraan caafimaad ma leh
Afkuunbey caddeeyaan beley calashanaayaane
Curuubiyo Jubbey tuban yihiin mana ciqaabtaane;
Cafiifooyinkood neceb tihiin caro Ilaahey dheh!
Colaad uma qabtide Baararkaad kala casheysaaye
Casir weerar bey soo kacshaan kumana caydiine
Mid cirro leh sigaarkana cabtoo madaxa coosh-cooshtay
Oo cagaha boorku leh sidey cayro ugu haysey
Colaad uma qabtide Baararkaad kala casheysaaye
Cafiifooyinkood neceb tihiin caro Ilaahey dheh.

Cawareere Kuma Siinin

Wuxuu abwaanku gabaygan tiriyey mar ay islaan eeddadiis ahayd, oo la yiraahdo Maryan Faarax u soo dirtay gabay ay ka mahad celinayso macruuf uu u sameeyey Abshir taas oo ah, isaga oo u iibiyey guri ku yaallay tuuladda Ceelka Hilmo oo ah hanti maguuraan ah ee ku yaal degaanka Mudug.

Carraabada galbeed iyo ratiga caynka lagu giijay
Iyo wiilka cudurkiisu waa kugu cuslaadeene
In Ilaahay kuu caafiyaan ka codsanaynaaye
Adna ceelka kaa quudiyoo cayrta kaa bixiyo
Aqalkii cusmaan1 waa mulki aad caawa leedahaye
Cindigaaga kuma hayn mar baad calafsan doontaaye
Mid camiro carruurtana mid dhigo caadilkaa yiriye
Cawareere kuma siinin iyo culumadiiniiye
Mid Ilaahay igu caawiyaan kuugu ciil tiraye
Ku calool adeeg taan hayaad ila cunaysaaye
Anna maalin aan cayrahaa calafsan doonaaye!

Cantara Baqash

Gabaygaan afarreyda ah wuxuu jawaab u yahay, gabay uu soo direy nin la yiraahdo Ibraahiin Bisle oo Ogaadeen reer Cabdulle ah, kuna noolaa waagaa xiryaha qoxootiga ee Baladweyne, gabaygaasna waxa lagu aflagaaddeeyey wadaaddada iyo hablaha is asturey markay taariikhdu ahayd 1987kii. Abshirna waxaa uu ugu jawaabey sida tan, laakiin tixda Abshir nafteeda kama marna aflagaaddo iyo isir ummad kale waxyeeleeyo sida ka muuqata beydka ugu danbeeye ee tixdan:

Hubka cukus carruur laguma rido caana nuugyo ehe
Cirraana madaxa iga taala iyo laba canjiidoode
Caaqibana ma leh gabay hadduu cay u joog yahaye
Cisiyo sharafki waa diinta oo lagu caddeeyaaye
Canaan mid ugu filan aan u diroon cudur ku reebeenin
Waxaad cabatey waxad ciil qabtiyo waxaad cabaadaysay
Cunsur hooyo waxaad sheegatoo odaygi ceebaysey
Waxaad laan carduna raamsatoo camanka buureysay
Waxaad meel ciriiryoon gashoo ku citikaafaysay
Waxaad caarif gabay sheegatoo caalamka u haysta
Cajalkaa candhuufeysay baa ciil iga hayaaye
Cashara sana marbaad curatayoo cay iyo habaara
Cantara baqashku waa maxay jawaab iima soo celine
Cub iyo cir caraatan iyo faan shuqul caruureed ah
Googaale cadaleysigiyo cayda iyo faanka
Iyo sidaan caqiidada u saxay waaba kala cayne
Calinaar afuuf iyo intaad cadow ku faaneysay
Cabdullaahi yeelkiye Xasaan cidi ma kuu sheegtay
Sidii bahalka cowlaa markuu ugu codeenaayey
Halaaqada cajiibka le'na uu caman ku taagleeyey
Oo labana caadi u fidsaday labana caacuurshay
Carrabkiisa khayrka le'na uu cadow ku naafeeyey
Oo uu Nebiga ugu ciil tiraan ka cabbir qaataaye
Adigana kuwii caayey baad cirib wadaagtiine
Calayhi saabiqaa inaad qabtaan cidina moogeene
Cunnaad noogu dudi iyo waxaan caadil kuu qorine
Intay diintu celisiyo markaan culumaduun reebo
Cunsur baad u leedahay hunguri cabara taariikhe.

Markii Cadowgi Loo Jabay!

Abshir Bacadle gabaygaan waxaa uu ku bilaabanayaa tuducda ah “Markii cadowgi loo jabay, Culimadina yaaceen.” Gabayga guud ahaan waxaa uu ka hadlayaaa xaaladda Muqdisho ka dib markii maamulkii Maxaakiimta ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif ay ka baxeen gabi ahaanba Muqdisho ka dib markii ay maamulayeen muddo gaaban oo lix bilood ah, muddadaa gaaban waxaa aad isku beddeley xaaladda nabadgelyo iyo siyaasadeed ka dib markii degaaankaa muddo 16 sano ay ka jirtey dhibaato aan la qiyaasi karin.

Run ahaantii qiimaha gabayga waxaa uu muuqanayaa Bacadle oo markii ugu horreysay ka gabyey arrinkaa tan iyo markii ay Muqdisho isaga baxeen Golaha Maxaakimta ka dib markii dowladdii Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayay korneel Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidan Itoobiyaan ah ay gacanta ku dhigeen maamulka magaalada gabi ahaanba.

Markii cadowgi loo jabay,
Culimadina yaaceen,
Meydku waa cashara dhaaf
Cishiriin hadow sigin,
Ama caga cageyneyn
Cawiyo beriba waa toban

Cayayaanka hoosiyo
Cadad ma leh isbaaradu,
Waa ceeryaamo tuugadu,
Dadkii waa cuburiyeen

Calaladey ka siibtaan,
Casirkii baan xaroonaa,
Caruurta iyo dumarkana
Cilalowga fiidnimo
Cajiin looma diri karo,
Waa loo cabsanayaa
Albaabkaan ku celinaa,
Cishaha looma bixi karo,
Maqribkaa ciriiriya,
Cidima gadato moobayl,
Cadowgiisii baa badan
Oo waa loo cabsnayaa,
Ciribtaanse leenahay
Nabadi waa cakiran tahay,
Nin iyo cududi mooyee,
Cadli iyo garsoor ma leh,
Ciribtaanse leenahay
Cisigi iyo sharaf ma leh,
Xugunkii cadaa maleh,
Amnigii caam ahaa maleh,
Nabadii cukaneyd maleh,
Cosobki iyo ubax maleh,
Cagaar iyo udgoon maleh,
Saxan saxo cosoba maleh
Culumadu nufuud ma leh,
Codkii Sheekh Shariif maleh,
Oo iimaanka culi jiray,
Caqiidadana sixi jiray,
Asleynkana ku caanbaxay,
Shacabkana u ciil tiray,
Ciribtaanse leenahay;
Haddii cadowgi loo jabay
Culimaduna yaaceen,
Raggii waa casilan yahay
Carcar iyo nashaad ma leh
Gabdhihi baa cirkaa mari
Cawiyo barriba aan hoyan
Dhaawicina caawiyay,
Cuniyo daawaba u sida
Gabdhaheenu waa calan,
Cafiyo caafimaad iyo,
Cisiyo sharaf Allow sii,
Ninkii calaf u geeyana,
Saxan saxo cosoba iyo,
Caraf iyo udgoon iyo,
Ilaahow cishqi u saar
Reerka isku celin kara,
Caruurtana u barakee,
Caqiiqada saxaa
Iyo cilmi naaficana sii
Allow cadaawo how cidleyn
Cafiyo caafimaadna sii
Markii cadowgi loo jabay,
Culimadina yaaceen,
Cunadi waa beddelan tahay,
Carabku guustadii maleh,
Caanuhu labeen maleh,
Ciirtayadu subag maleh,
Cambuuladu saliid maleh,
Cusbo malahan suugadu,
Hilib noo cuntama maleh,
Waa caato iyo weyd,
Cayil iyo baruur maleh,
Maraqiisu cabid maleh,
Cusbaa lagu dhanaanshaa,
Khudradu waa canyaayaas,
Caraf iyo udgoon maleh,
Reexaan cosoba maleh,
Biyeheenu waa callow,
Qofkaan caafi gadan karin,
Cudurow u halis yahay,
Carruurtaa u sii nugul,
Ciribtaanse leenahay

Waxaa kaloo cajaa'iba
Maxkamadihii cadliga iyo
Cisiga iyo sharafkiyo
Nabadii carfooneyd
Caradaan ku soo rogay,
Kuwii caayi jirayoo
Ceeb ka sheegi jirayoo
Caddowga soo hogaanshaa
Cabaad koodu baxayaa
Oo soo calaacalay

Allow culumadii keen,
Oo maxkamadii soo celi
Codkoodaan ku heynaa,
Waxba hay cabaadina
Cudur daarna lama rabo,
Caddowga idinkaa waday,
Culumadana kaarahay,
Iska celiya tuugada,
Isbaaradana cirib tira
Ama carara fiidkii,
Waa rag iyo ceebtiiye!

Shirib

Cudur ku doorso caafimaad
Calaqya biirna caana mood

Wuxuu u raaciyay gabdhaha:

Allow cadaawa how cidleyn
Cafiyo caafimaadna sii!

Gaaliyo Cawaankeed

Halakan waxaa uu abwaan Abshir Nuur Faarax ku cabanayaa gumaadkii loo geystey reer tolkii oo uu hoggaaminayey Maxamed Faarax Caydiid kaa ay u geesteen ciidamadii huwanta ahaa ee soo galey geyiga Soomaaliyeed dabayaaqadii 1992kii, ka dibna ay isku dheceen kooxdii Caydiid, gaar ahaan gumaadkii 1993kii ay diyaaradaha Mareykanku ku laayeen Muqdisho dhowr iyo toddobaatan odey oo meel kuwada shirayey.

Gaaliyo cawaan keed muddey igu gadaaneyde
Gurmad iyo gargaar been ah baa laygu soo galaye
Waxaase loo gediyey inay garneyl nagu garaacaane
Gun baa nuxur yaroon garan waxii gaal ku soo wado'e
Gurmashadu markay ku habaneyd waanigii galay e
Garna wow lahaa caamadoon dhiiri geliyaaye
Guubaabo iyo shirib waxaan geeyey tiribuunka
Halkaan goolka kaga laadayoon guusha ka iftiinshey
Waxaan dumarka guubaabiyoo gabey u naashnaashey
Geedkaan waraabinahayaad u hargaleysiine
Wadaadadii gujada igu dilow meydin garan siiyey
Gurta miraha guushii helnaye garar yareydeene
Inaan idinku godo gabayga waad galabsaneyseene
Gar waa loo muslime maalintii nala gumaadaayey
Oo gaalku ina leynayoo goob lakala xaartey
Gantaalkii diyaarad ka iyo madaafiicdii goobta

Godka buur hindiyo Olombig wuxuu gorofsanaa maydku
Waxii geed jacel nagu qabsaday geeri loo dhalaye
Iyo gacalki nagu diganayoo ugu gargaaraayey
Soddonki geed jaceel oo tolnimo garabka noo siiyey
Iyo miino gelintii un baad nagu gargaarteene
Shacabkaase geediga malmalan Yunisom gaarsiiyey
Guubaabadii buuna boqorku igu guuleeyey
Afartaa hab aad garan kadhiyo gabayadeydii dhe
Ganuunaca wadaaddada xag jiroo guuxa damin waayey
Gidaar aan isaga oodey iyo gar iyo dowgey dhe
Afar kalana waa gool dhashiyo darajonoo gaara
Gardarrada cadaankaa kuwii nagu gumaadaayey
Nimankii guryaha nagu dunshoo gowda naga taagey
Isticmaarka guunkaa kuwii nala dul gowriirey
Nimankii geleydiyo garneylka isku goosaarey
Gargaarkii naloo ururiyana geliyey jeebkooda
Guurti iyo xeer beegti iyo ubadaan qaangaarin
Nimankii gantaalaha Kobrada gowda kaga saarey
Oo gurigi Qeybdiid ku gubey duulaan garanaayo
Oo mayd garaac noogu daray geeri loo dhalaye
Oo dunida gaarsiiyey warar gubayey laabteena
Oo shaybka geeri u rabiyo god iyo booraanta
Oo cadowga nagu gaafayoo gama'a noo diidey
Gargaarkiina gumac nooga dhigay ruuxa naga gooya
Gardarrana ku taageeray koox gaala dabajooga
Kilintoon garjiidihi kufriga oonakala gaabshey
Markii uu gumaad iyo xasuuq noogu gacantaagey
Oo dunidi gees naga martoo godob naloo qaadey
Oo taladu gabawarantayoo dhiigu galac leeyey
Anaguna go'aan gaarney waa gob iyo xeerkeede
Waxaan godobtii ku colaadinoo gocasha riinaaba
Allaa noo gargaaraye markii guushu inaraacday
Duqay goobayeen bay galliin ula gurguurteene
Gablan talo aduuney maxay galabba heerjoogtay
Ma gariifey Caydiid kufrigii godobi waa keyd e
Ilaahaygi garansiiyeybaan mahada gaarsiiney
Waxay Yunisom noo geysatana geliney diiwaanka
Aan soo gunaanado tixidii igu gulaalneyde
Rag isguursadiyo aydisbaad soo galbinayseene
Iga guura gaaliyo Islaam gacal mayeeshaane
La gadooma dib u gurasho iyo guul dariyo ciile
Gadaalna haygu soo noqon abaal iima aadgeline
Allana meel san kuma geeyo waa galabsigaagiiye
Guri hoogey dega aakhirana gala cadaabtiiye
Afartaa intaan kaga gudbaye gobo kalay dheere
Halkaan gabayga ula jeeday baan idin gudoonsiine
Khamiistii Jimcadu soo goshoo guushu hana qaadey
Faragelintii Yunisoomna ay gabagaboobeysay
Baddii baan isugu gayney iyo galayaxoodkiiye
Waxay galabsadeen bay heleen waa gadaan rabaye
Guntii ururtay naga guure iyo geedo waaqlihuye
Gaaraaya cuuntii bixiyo goroya cow shuye
Ga'yigayagii Yunisoom ka tage gabi ahaantoode
Gonda jiid gadaal dhugada bay xaley ku gguureene
Guddoomiyihi qarankuna wakaa libin ku geegaarey
Oo shacabka gaarsiiyey waa gob iyo xeerkeede
Gablan talo adduuney maxaan galaba heerjoogney

Nimankii guryaha nagu dunshoo gowda naga taagey
Isticmaarka guunkaa kuwii nala dul gowriirey
Nimankii galeydiyo garneylka isku goosaarey
Gargaarkii naloo ururiyana galiyey jeebkooda
Guurti iyo xeerbeegti iyo ubadaan qaangaarin

Nimankii gantaalaha Kobrada gowda kaga saarey
Oo gurigi Qeybdiid ku gubey duulaan garanaayo
Oo mayd garaac noogu daray geeri loo dhalaye
Oo dunida gaarssiiyey warar gubayey laabteena
Oo shaybka geeri u rabiyo god iyo booraanta
Oo cadowga nagu gaafayoo gama'a noo diidey
Gargaarkiina gumac nooga dhigay ruuxa naga gooya
Gardarrana ku taageeray koox gaala dabajooga.

Dastuurada Gurracan

Abwaanku waxa uu maansada soo socota kaga hadlayaa in Ilaahay xukunkiisa laysku xukumo lagana fogaado dastuurada ay aadanuhu sameysteen, waxaa uu si xunna u weerarayaa maamuladda Muslimiintu sameystaan oo aanan ku dhisneyn xukunkii Alle iyo kuwa raacsan arrinkaa.

Garaad laawe ina aadanoow gaaris baad tahaye
Ma gar qaadatiinoo murtidu waydiin gudubtaaye
Ilaahii dhulkaan noo gogloo samada guud yeelay
Oo gacan arsaaq noo fidshoo uunka wada gaarta
Geeliya ari gamaan iyo fardana gacanta noo saaray
Oo gowso lagu cuni kariyo gacamo noo yeelay
Garashana inoo yeelay iyo guriya meeleysi
Gogol lagu gam'ana noo dhigiyo gudasha raaxeysi
Rabbigaa gashiin iyo biyaba gacanta noo saarey
Godkii aakhirana nagu xukumey gabi ahaanteena
Qiyaamana na soo gabagabeyn yaan la gaar marine
Aadmiyoow garaadaha xumoo garabka kuu saaran
Haddeyan geeri kaa reebi karin ha is go'daadeynin
Oo maalka gurigaaga tuban gacala haw eegin
Buundaad gudbeysaa ogow wabi yar guudkiise
Gadigaana waxaa kuu fadhiya galabsigaagiiye
Waxaan uga gol leeyahay haddaan idin garwaaqsiiyo
Kitaabkayagan laga soo galbiyey samada guudkeeda
Nabi Muxamadoo geesiyana gacanta loo saarey
Ninka gaar maroo qodob u gudey gaala raac noqoye
Geerida horteed diinta maan gebigeen taageerno
Oo maan dastuurada gurracan guba ku luuqeyno
Oo maad giriiftiin wixii gaalo lagu raacey
Rabbi idin ma geliyeen mar kale guuldarriyo ciile
Garaad laawe ina Aadanoow gaasir baa tahaye
Ma gar qaadatiinoo murtidu weydin gudubtaaye
Gunta aqalki aan laga adkeyn gagada aasaaska
Ganbiskoo la naashnaashey baa guri la moodaaye
Adoo gabanadii aad dhashiyo geliyey maalkaaga
Oo gurada dabaq saarey buu gabax yiraah daaye
Markaasaad khasaaraha ku galey gocasho riintaaye
Waxbase lagama gaaroo marbey kula gudbooneyde
Gablan tala aduuney maxey galaba heer joogtey
Maxaase laba is gacaleysan jirey bir isla goobaaya
Maxaa laba gantaala isla dhacay gacal walaaloobey
Ma garaan gar baa dunida sow lagama yool gaaro.

Shirib

Garaacideedaa gaasirteen asaa gabyowga loo gafaa
Gucunka meelahaan gelshaa garaacidiinu gaasirtaa
Gucuma siibku waa garoo waxaan garaacin caana geel.

Guuleed Fansalakh

Gabaygaan waxaa lagu tiriyey dalka Sacuudi Carabiya magaalada Jidda, dabayaaqadii 1984kii, wuxuuna gabyaagu kula hadlayaa Sheekh Maxamed Guuleed Kaarshe – Ilaahay ha u naxariistee – inta uusan dhiman oo ahaa agaasimaha waaxda diinta ee Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Garsoorka, ka dibna loo magacaabey Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Garsoorka. Waxaa shaki ku jirin in Abshir uu ku xadgudbayo Shiikha ilaa uu isirkiisa wax ka sheego, meeshana ma qabato habaar iyo aflagaaddo aan ku habbooneen qof Muslim ah. Sheekhu wuxuu ka mid ahaa khayr Eebbe ha siiyee culimadii fidinta Diinta Islaamka doorka weyn ka qaatay oo tafsiirka Qur'aanka Kariimka ah Masaajidka Siigaale ee ku yiilley xaafadda Hodon ee magaalada Muqdisho ka akhriyi jiray, waxaana cilmigiisa ka aflaxay dad aad u badan. Abwaan Bacadle gabaygan uu Sheekha aad ugu gafayo waxaa ka keeney caro uu ka caroodey xarig iyo xabsi loo geystey dhowr hablood oo loo aaneeyay xijaabka xirashadiisa, laakiin waxaan filayaa in mas'uuliyadda arrinkaa ay leeyihiin madaxdii sare ee dalka ee aanan lala soo aadan cid kale. Qofku mansab dawladeed oo sare soo qabta ayaa garan kara dhibka ay leedahay in la isu miisaamo arrimaha dawladda oo marar badan arrimo xoog ku fulinaysa iyo arrimaha diimaha khuseeya oo miisaan kale lagu eegaayo. Waa arrin aan fududayn. Alle labada ha u wada naxariistee, abwaan Bacadle waayo-aragnimadaas isagu ma lahayn, marka way u fududayd inuu siduu rabo u hadlo. Marka aad dawlad ka tirsan tahay, arrintu way ka duwan tahay. Abwaan Bacadle oo ra'yigiisa cabbiraya wuxuu yiri:

Ilaahayow nicmadaad ii gashood igu gargaaraysay
Galladdeeda adigaa iska leh goor iyo ayaane
Gafkeygana inaad saamaxdaa adiga kuu gaar ah
Mana qabo guddaa jira Allaha ugu gargaaraaya
Inkastoonse gaabshoow ahoon gabi dhaclaynaayo
Gafkeygaan aqaanoo muwaxid guun ah baan ahaye
Gobna waxaan ku ahay inaan Shirkiga layla soo gelin
Markaanse gacanta kuu hoorsadeen ducada gaagaabsho
Inaad igu gar-gaartaan bartaye guusha ha i seejin
Dariiqadu halkey goosataye loogu geli waayay
Inaad gacanta noo saartid baan kuu galliin ahaye
Markaanse guusha libineed helliyo buurta guradeeda
Gaaliyo Islaam bay mid uun gali lahaayeene
Ninka meyd ku garab taagay iyo guud qandhicilwayne
Guuleed-fansalakh iyo Xabriga ganacu weynaadey
Iyo kuwa ku garab taaganoo aan wax garaneynin
Waxaa garabka loo suri lahaa gorofta ceyreede
Gefloo saxayna kuma goodiyeen goor iyo ayaane
Hadba gabar muxsinadiyo wadaad xarig ma geeyeene
Gab-gabta iyo caadaduna way guri lahaayeene
Gablanse talo adduuney nin baad gabi ka tuurtaaye
Gabaahirig markay kugu furtaad rara gubyootaaye
Ood gogosha diidaa hurda, aad gama' ka siisaaye
Guuleed ma maantuu xaqii go' iyo shaal siistay
Gafuur xume shaqaawadu halkaa ma idin gaarsiisay!
Mar hadduuse gabar maxajabaa guulwade u dhiibay
Gafna uu ku been uuntayoo shacabka gaarsiiyey
Gablan iyo Ilaahey u keen geeri filan waaya
Gobanimana uma dhalan xaqana meella kama gaarin
Markuu guur ku waayoo la yiri nagu gayaan maahid
Wuxuu garab u helay inuu yiraa goono wada qaata
Garbasaarka weyn baa nacood gab isku siisaane
Gacma dheerihiinuna qalbiga wayga gubayaaye
Gollonkiina muujiya ishaan guluc ku siistaaye
Ama gala xabsiga shay horaan maanta gudayaaye
Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxaan kusoo gooyey
Xashara iyo Guuleedba waa Shuuci gaamuraye
Waxay garab ka heystaana waa doqonki gaabnaaye
Markii waagu geesbari ka kaco ama gaduud keeno
Qorraxduna gantaaleyso ama gabalka soo jeedo
Ninkii gacanta saaree yiraa dunida yey gaarin
Rabbi buu dagaal ugu guntaday kumana guuleysan
Ilaahey geddii lagu yaqiin waa isaga gaare
Cirkoo naga guraan jiray hadduu godalku soo taago
Daruur gaaxsaneyd iyo hadduu gibilo soo saaro
Gufaaciyo hillaac iyo markuu gugaco soo yeero
Xashara iyo Guuleed miyaa gacanta saaraaya!

Gef Loo Saxay

Gabeyga soo socda waxaa uu Abshir Bacadle ku weerarayaa qaar ka mid ah Suufiyada isla markaana waxaa uu ka dhiidhinayaa in Ilaahey lala garab dhigo marka la baryayo axad kale oo addoomadiis ah, isla markaana waxaa uu beegsanayaa, guul laga keeno kooxaha dariiqooyinka ah, gaar ahaan kuwa ay qaraabada yihiin.

Tix la geeyo goobaha murtida lagu gorfeynaayo
Oo diinta garab taagan baa gabay u kheyr roone
Nin waliba gantaal kuu hayuu cadaw ku guulaaye
Halla geeyo gobalkii tixaan goobayaan helaye
Wadaaddada Siyaarada gurtoo calanka giirgiiran
Geddii Bucur bacayrookaley marakan gaareene
Gonda dhiigta Muruf Taaruf bey gacal wadaagaane
Waa Geedi Baabow silloon garanse weydeene
Inaan mayd wax gelin waa hubaan gaala raacyaduye
Godka lagu cadaab diinta wey ganacsanaayaane
Gardarradiyo aabiga muddey garab u heysteene
Gef loo saxay gar laga eexday bay sidaan ku gaareene
Nin garaama xaaraana cuney meel unbaa go'ane
Gacma hoorsigii bey rabaan gu' iyo jiilaale
Maruunbaa geddaan saadin jiray guulahey badiye
Maruunbaa guddoonshaha cusubi gaarayaa xugune
Maruunbaa garsooruhu cadliga goobiyoo heliye
Maruunbaa guddiga nabad gelyadu siinayaan gacane
Maruunbaa fidnada gobolka taal Yoolax1 loo garane
Maruunbuu garaadaha xaseyn bixiyo Guuleede
Maruunbuu garoomaha u tolan gorofku meeleyne
Maruunbey gawaan iyo Wisil u guurayaan Sacade
Maruunbey u sii guranayaan garaski dheeraaye
Maruunbaa nabsiga gooshayaa gaari ow Caliye
Maruunbaa gasada Ina Cismaan looga soo geliye
Maruunbaa wexey naga galeen laga gudaayaaye
Maruunbaa wadaaddada gabrani nooga soo go'iye
Maruunbaa waxaa geba gebeyn guuto loo diraye
Maruunbaa Ilaahey ku gubi gumac rasaaseede
Maruunbey garcanayaan gabdhaha guudka loo firaye
Maruunbuu garaarkooda jari taarigaan geyine
Maruunbaa gefkiyo aabigii guuxa soo dhimiye
Maruubaa la gaarsiinayaa galabsigoodiiye
Mar uunbaa gelmiga nagu habsadey gacan togaaleyne
Maruunbaa haleeliyo gobshaba guulahay tiriye
Maruunbey gurboodkiyo ilmaha gaahi soo tubiye
Dhaaxey gafuura xun indhaha nagu gubaayeene
Maruunbaa la gaarsiin iney gacal na moodaane
Maruunbaa Ilaahey ka goyn galabsigoodiiye
Mar uunbaan garaamaha ku maqan gabay ku faalayne!

Gabaygu Sow Maaha?

Gabaygan waxaa ku bixiyey gabyaaga inuu tiriyo kaddib markii uu arkay idaacadaha afka Soomaaliga ku hadlo gudaha iyo iyo dibaddaba oo caado ka dhigtey inay murti ahaan xoog u saaraan dhanka heesaha iyo muusiga oo kasoo jeeda dhaqan shisheeye. Gabayga oo suugaanta Soomaaliyeed asal u ah oo ayna qiimeynin sidaas darteed arrintaas aad ayuu uga carooday. isaga oo tusaaleynayana waxuu ka tiriyey gabaygan oo isla markaa tilmaan ka bixinaya kacdoonkii Xamar lagu kacay dawladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre:

Gininiifta iyo muusiggaad gacal u haysiine
Suugaanta gabeygow asala garanse weydeene
Wixii geedka loo xaaran jirey gabaygu sow maaha!
Waxey odayo goob kaga hadlaan gabaygu sow maaha
Wixii geela lagu qeybsan jirey gabaygu sow maaha
Gammaan faras wixii looga degay gabaygu sow maaha
Wixii guurka loo dooran jirey gabaygu sow maaha
Guubaabo iyo nabadgelyaba gabaygu sow maaha
Murti waxa gorfeeyoo gudbiya gabaygu sow maaha
Tartan waxaanay heesuhu la gelin gabaygu sow maaha;
Waxaan gaada ka ciyaar leheyn gabaygu sow maaha
Waxaan muusig loo gaawineyn gabaygu sow maaha
Waxaan loo garaaceyn gurbaan gabaygu sow maaha
Waxaan turumbo loo giijineyn gabaygu sow maaha
Waxaan dumarku qayb weyn ka gelin gabaygu sow maaha
Waxaan dhaqanka gaaladu gediyin gabaygu sow maaha
Taariikhda waxa lagu guntado gabaygu sow maaha
Wixii cadowga lagu guuli jirey gabaygu sow maaha
Guuleed fansalakh waxaan ku gubey gabaygu sow maaha
Gamuun sare gantaal hoose iyo god iyo reebniinba
Wax sarbeebta gaan uga hodmani gabayga sow maaha
Gun iyo baarba suugaan gobeed gabaygu sow maaha
Ilaahey wuxuu nagu galladey gabaygu sow maaha;
Afartaa intaan kaga gudbaye gobo' kaley dheere
Sidii odayga loo galay haddaan gow mar kaga siiyo
Gallad wuxuu ku noolaadayoo libin ku geeraarey
Geyigaan ku noollahay wuxuu gabo-gabeeyaaba
Wuxuu guluf colaadeed diroo nabad ku goohaaba
Wuxuu gees biciit noo mudoo googol ku sheegaaba
Guddigii Maanafeystada markuu dib u gantaaleeyay
Garaad iyo Imaan iyo wixii culimo loo geeyay
Garcad iyo salaadiin markuu gogol ku ciideeyey
Wax-garad iyo aqoonyahanna uu gabba waroo laayey
Gaashaanka wuxuu nagu dhiftoo gacanta noo sayray
Gartuu diiday mooryaan unbaa galisay maankiisa
Gablan tala adduuney maxay galaba heer joogtey;
Gumaadkiyo xasuuqii markii laga galiil yooday
Gardarradiyo kibirkii markii geeri laga doortay
Gidaarada markii loo tafoo lagu galaayuusey
Nin go' iyo nin gaaraba markii gudaha loo daatey
Goonyaha markey kaga hufeen geeri loo dhalaye
Kuwuu igu gadaanaada yiri gaw Malaga siiyey
Gantaalaha markii looga dhegay lagana guuleystey
Ma is godey ma gaar-gaar sadoo gululub mow roorey
Magaraamihii loo karshey guratay Mooryaani
Gablan tallo adduuney maxay galaba heer joogtey;
Gidigii hameenkii miyuu baqo ku gaw riiray
Markuu waagu gaw yiri miyuu giirka kor u qaaday
Go'ay xalay ku duubeen miyuu gaar isaga tuurey!
Hadba gees miyuu dayey illey godobi waayaabe
Gaashaanlayaashii miyuu gudub u weydaartey
Halaaqada miyuu kaga gig tiray waa gudoodiga'e
Gawsaha markuu riiqayoo gawnaxyada buuray
Tawfiiq Rabigey hor u gafiyey marakan mow guuxay
Hadba Xamar gadaal mow dhugtaye gacalo mow eegay
Gedduu beri ku noolaa miyey gocatay laabtiisu
Ilmo gabax masiiyoo sidii gororka mow hoorshey
Mar igeeya goobtii ma yiri gacalo taag weydey
Gablan talo aduuney maxay galaba heer joogtay;
Geyigaan ku noolnahay miyuu gebigi aafeeyay;
Ummadaan waxbana gelin miyuu godob usoo jiiday
Kuwuu guduriga1 u waray miyuu gacalnimow sheegtay
Geddoo nabad ku caan baxay miyuu halakan gaarsiiyey
Garan waaye naga gudub halkaad galine yeel kaaga
Ama gacan ku dhiiglaha iney ugu gaduud shaane
Jabhadaha guddoonsaday midnimo ha ula guuleene
Intaasaan ku soo gaabiyoo gubaya laabtiisa
Gablan talo aduuney mexay galaba heer joogtey!

Faracii Reer Abshir Nuur

Waxa uu mariyey Abshir kaddib markii loo sheegay in wiil uu dhalay oo ku noolaa dalka Maraykanka uu u soo diray lacag, isaga oo arrinkaa aad ugu farxay waxa uu ka tiriyey gabaygaan gaaban:

Cabdirisaaqoow ragga intiina fogaatoo
Faracii reer Abshir Nuura
Adigaa u fac wayne
Farriintayda dhageysoo
Gabeyga fiiro u yeelo
Allaha fatxi ku siiyo
Facaaga aad ugu faantid
Ha faqrin oo ha fidnoobin
Farriinti ay Amal keentey
Waa ku farxoo ku fahmeeystey
Facayna waa ugu faanoo
Fagaarahaan ka caddeeyey
Duco fareesh ahe faas ah
Misana fuul ahe fiican
Tomanya kow facna gaarta
Faraqaaga u hoorso
Faruuryahayga ka qaadiyo
Farxaddii qalbigayga
Ragga adaa u facwayne
Habarta fiiro u yeeloo
Fasaqa iiga ilaali
Anigu soo furi maahe!

Gablan Talo Adduuney

Waa gabay dhinacyo badan taabanaya oo muhim ah, waxaana gabyaagu tusaaleenayaa arrimo ay ka mid yihiin kuwo la xiriira towxiidka iyo geeridu iney xaq tahay oo loo diyaar garoobo iyo waxa dhici doono qabriga iyo qiyaamaha marka la gaaro, waxaa uuna gabaygiisa ku bilaabanayaa:

Markaan gugiyo deyrtii dhoweyd gabay ka dheeraaday;
Oo aan ka go'ey baad malaha gorof imoodeene
Nin waliba makaa guuray buu gaw ileeyahaye
Anna goolku meeshaan la rabay iima soo geline
Waxaan gaaxiyaba maalin baan godolka tuujaaye
Gaawaha u hoorsada hadduu gaada leeyahaye
Gujaad igu disheen iyo miyuu guray wadaadkiiye
Taariikhda shay geli karaan gabay ku sheegaaye
Kuwii ganacsan jirey maahiyoo guul darreyn jiraye
Gumeystaha ma taageero iyo gaalo waranleeye
Gurubbiyo qabiil waa horaan gooyayoo nacaye
Gidaarrada masaaree xaqaan ugu gargaaraaye
Inta goobta soo joogsatoon garanin tawxiidku
Ilaahay waxay uga go'een gelin ku nooloowe
Marka gogosha qaadkiyo hablaha lagula geeraarey
Gablan talo adduunay muxuu gabay canbaaroobay;
Gunta aqalki aan laga adkeyn gegida aasaaska;
Genbiskoo la naashnaashay baa guri la moodaaye
Adoo gabannadii aad dhashiyo geliyey maalkaagi
Oo gurada dabaq saaray buu gabax yiraahdaaye
Waxba lagama gaaroo mar bay kula gudboonayde
Gaashaamo nacasow waqtigu guray raggaagiiye
Waxaan uga golleeyahay malaha weyla garateene
Guubaabo towxiid ah baan caawa gelayaaye
Waxaan idin guddoon siinayaa gunud caqiidaaye
Ilaaheyna geerida horteed haydin garansiiyo
Anna gabeyga guushiyo janada ha igu gaarsiiyo
Intay goorigoor tahay shirkiga gooya xididkiisa
Towxiidka gawsaha ku naba oo isugu geeya
Afka gacanta saar yaan shirkigu meel ka soo geline
Weligiin ku giijiya ilaa madaxa loo gooyo
Haku gororo dhiiggiina oo geliya laabtiina
Geerida xaq baa loo arkaa gaaliyo Islaame
Nin gantaalku seegaa ma jiro ama giriifaaye
Ilaahey waqtuu gooyayoo garanti weeyaane
Adigoo ka gaarsii leh baad gabax tiraahdaaye
Markaad gogosha ku aruurtid baa gocasho riintaaye
Goonyaha markey kaa saftaan gacalo taag weydey
Ii gaddoontey neef kala go'diyo dumar galaayuusey
Oo gurubadaadii waxbana kaaga geli weydey
Gurboodkiyo ganbooleyda iyo kii garaad yariba
Naf gunaanadkii taagan bey gebagebeeyaane
Hadba Aw gabraarsanahayey gool u qalayaane
Ama gaalka huurada leh bey geniyo siiyaane
Ma gartaan nin geeryoonayoo galab caraabaaye
Godka maalinkii nala dhigoo iilka nala geeyo
Ilaahey addoonka u go'aa gaarey libintiiye
Mar haddii go'aankeenu yahay diinta garabsiiya
Garaafada adduunkoo iyana gaaban mo'oyaane
Inaan dhibi na soo gaaraheyn geliya laabtiina
Gaba gabadu maantey dhacdoo dhididku geylaamo
Oo dumarku soo gano ilmaha galay calooshooda
Oo habari gabankey jecleyd gaar isaga tuurto
Qoraxdana la soo gaabiyee ay madaxa soo gaadho
Oo naartu guuxdoo nafluhu wada gariiraayo
Dadku waa gagabayaa siduu geed kuleyl cabaye
Gacalkaagii iyo waalidkaa oo ku garanaaya
Iyo gaaridii kuu dhaxdoo guriga kuu joogtey
Iyo gabanadii aad dhashoo laabta laga gooyey
Gacaliye adoogaa markuu gacan ku waydiisto
Oo gaar ahaan hooyadaa kugu guraa-baasto
Waxey kuu gashoo idil dhamaan wey ku garansiine
Waxaad oran maxaan geli karaa gabay nafteydiiye
Xaajada halkaa gaadheyoo galawgu qiiqaamey
Ilaahey kuwaa hoos galoo harac la geeyaaye
Mar hadduu go'aan keenu yahey diinta garabsiiya
Garaafada adduunkoo iyana gaaban mo' oyaane
Inan dhibi na soo gaaraheyn geliya laabtiina;
Kuwiise garabka bidixdoo Shirkiga goobta la istaagey
Gooryaan Fansalakh iyo kuwii gacanta siinaayey
Markaasey xaqii garanayaan waase kala guure
Wadaadkii gar-gaarkiyo labidey guusha iyo kheyrka
Shafaacadana laga goobayaa gabay naftiisiiye
Ma guntana dharkaba uma gashana mana gudneedhawra
Gablan tala adduuney maxaa nimanka soo gaarey;

Nin Ilaahey meyd garab dhigaw gaasir baa tahaye;
Gabadhaadu guur male ninkii geyana yeelkiisa
Wixii naar ku geeyoo dhan baa lagu gumoobaaye
Gobanimo xaqiiqa ahi waa garasho tawxiide
Weligeyba reer Gaalkocyood gabey ma taabsiine
Gardarooyinkoodaa batiyo gocoshadoodiiye
Mar inan ku gano waa horey ila gudbooneyde
War goobaha banaanoo idaha lagu gumaadaayo
Wax inay galaan uma oggoli ama wax gooyaane
Waa gego cidla ah meeshan aad ariga geysiine
Kumayaalka lagu gowracoo lagu gumaadaayo

Garoobada agoomaha wadyo riximka gaajeysan
Gablanka iyo maatida fadhiya guriga Iidoole
Iyagaa gar u leh xoolahaad Sugulle geysiine
Ku gar-gaara magaciin jiryaye gacalka naafoobey
Na gumee ibliiskii Shirkiga noola soo galaye
Oo meyd gar-gaarsada na yiri goor iyo ayaane
Mar hadduu gabrada yiri halkuu galay awowgiine
Saddexleyda gooyoo Xadrada garangarta u meersha
Mar is goda mar gaar-gaarsadoo giirka kor u taaga
Isla gaabiyoo hooriyoo aha ku soo gooya
Halkiinaa ku gaardiya jannaa lagu gelayaaye
Ku guuleysay meeshuu la rabey gacaladeydiiye
Allahayoow ka soo gaar tolkey gaala raac noqoye
Oo towxiidka garansii adaan kuu galliin ahaye
Bal inay ka soo go'i karaan golaha Ruunsheelo
Ma gu' weyni laakiin waxaan anigu soo gaarey
Geyigaan ku noolaan jiriyo goboladaan joogney
Haddey culimo noo soo galaan galab carraabaahi
Oo geed ardaa leh dugsoon gogosha loodaadsho
Gar madaw u sheekeynayaa caano geyn jiraye
Haddiise xoolo loo gowracoo hilibka loo geeyo
Xubin gaabta iyo fuudka iyo gabalo hoosaadka
Waxuun baa na soo gaari jirey gaajo tirashaaye
Haddaan haraga iibgeyno, oo ganacsi loo qaado
Waxuun buu ka goyn jiray markii beled la geeyaaye
Guntimaanu soo xiran jiroon aqalka geynaaye
Adoo gacan banaan kaaga roon labada gooroode
Gedkaleeto iyo xeelad bay markan gaareene
Garkey naga qabtaan neefka waa naga gudoomaane
Iyagaaba gaadiid watiyo gabaldi baaxaaye
Gibir iyo canshuuroo kaley nooga gurayaane
Na gumeyste Reer Aw-Fulaan garanse weydeene
Soddonkii Dariiqada ka go'ey oo wax garanaayey
Markii looga guuleystey bay gocashoriimeene
Nin gabraarsan jiray oo ku qaaday gacalki naafeeye
Gufarkii ku haray lagu raqsay gaba-gebeeyeene
Mar baan gabar khilaaftaayi jirin Gaalkacyoo idile
Maantana kun baa guuxayoo garatey towxiidka
Ama gunuunuceysoo dhawaan nooga soo go'iye
Gablan talo adduuney maxey galab heer joogtey;
Anoose Ina Gureeyow warkii gabo gabeynaaaya
God madow wadaadkaad dhigtood geeri ku ogaatey
Oo gaaridiisii nin kale guri u xaaqeyso
Waxba adiga kuu galimayee garab ha weydiisan
Anigana wax iga goyn mayee ha igu guulguulin
Isagana gujada baas ka daa wuuba googo'aye
Muslimkana ha gaaleynin waa godob Ilaaheeye
Balse hadduu wax kuu geli karoo gacan ku siinaayo
Gablan kaa cirroobaa tahaye gabanno weydiiso
Guddiyada dariiqooyinkoo calanka giirgiiran
Weligood xaqay ganacsadaan gaalo raacyaduye
Iyagoo gabaabsiyehe aan xero ku soo goynay
Oo shacabkii ay guran jireen xaqa la gaarsiiyey
Oo guubaabo towxiida iyo gabaygu saameeyey
Waxay dawladuu hoos galeen gacanna loo siiyey
Nin kastoo garaad buuxa lehi waa garwaaqsadaye
Taariikhda noo galiya waa goolki tobanaade
Ilaahay wuxuu noo gartana mahad ka gaarsiiya
Hadduu ina ganaaxaana waa galabsigeenniiye
Yaboohii ma guubyeelinoo muu gabood faline
In la gaarayana waan hubaa guusha libineede
Geerida horteed meel kastoon gelin ku noolaanno
Go'aankeennu waa inaan sunnaha garab istaagnaaye
Intaasaan ku soo gaabiyaye shacabka gaarsiiya!

Gob Cunsuri Ah!

Gabaygaan wuxuu jawaab uyahay oo uu Abshir Bacadle halakan uga jawaabayaa abwaano dhowr ah oo maansooyin kala duwan u soo tiriyey. Abshir iyagoo ugu jawaabayay gabay uu Bacadle mar hore tiriyey oo uu ku weerayay reer Soomaalilan, gaar ahaan beelaha Isaaq iyo maamulkooda siyaasayeed, isagoo ku eedeeyey xariggii ay u geesteen gabadha la yiraahdo Samsam Axmed Ducaale oo ka soo jeedey reer Waqooyi Bari (Buntlaan), laakiin arrinkaa uu ka hadley iyo habka uu eedda u soo jeediyey waxay kicisey dareen kulul iyo caro ku timid reer Soomaalilaan. Kaddib markii uu dhuuxay Bacadle maansooyinkii ay soo mariyeen abwaannada oo xanbaarsanaa doodo kulul iyo caro ayaa Abshir Bacadle isagane jawaab kulul ka bixiyey taa oo ku timid gabayaan uu u bixiyey “Gob cunsuri”, waxaana shaki ku jirin in muuqato gafafka ay galeyaan abwaanada uu ka mid yahav Abshir Bacadle iyo qolooyinkaan uu dhex marey jawaab isku celinta – Ilaahey danbigooda ha dhaafee, waxaase xusid mudan maansooyinka uu Abshir jawaabta ka bixinayo in aanu ku soo aroorin doono qaybta labaad (eeg qaybta labaad ee kitaabkan, jawaabaha ku socda Abshir Bacadle).

Gaf aan galay gelliin kama ahiyoo maan garowsaniye
Gubana ma aha gabagaygu waad igu gefaysiine
Gun Isaaq ugama dhigin Hartina kuma gargaarayne
Mase gudboona beel goosatiyo maamul goboleedku
Tixdaan gabadha ugu hiiliyoon dunida gaarsiiyay
Gujis doon hardiyay iyo rag baa guba ku suureeyay
Mar haddaanan guhaameyn amaanan weerar gelinaynin
In aan gabay ku ciil beelo waa ila gudboonayde
Sow inaan gilgilo maaha oon yara gantaaleeyo;
Garka miyaan qabtaa oon dhahaa gabadha sii daaya
Sideen hadal ku gaarsiin karaa gabayga mooyaane
Gafba laguma oga gabayga nuxurkeydnan garanayne
Gun miyaa tihiin waa su'aal gabadha hiilkeed ah!
Marna waxaan ka gubanahayay waxa galaya taariikhda
Ma waydnan gabayga nuxurkiisa iyo yoolka garanaynin
Ratigii garba la' kabadda iyo heerigaa gubiye
Idinkaa sidii Owr garba la' rara gubyoonaaya
Qofkii laga gardaran yahay haddaan gacan la siinaynin
Gabay ama qoraal iyo ducaa lagu gar-gaaraaye
Waxba igama gelin waa ra'yiga guufanaysyada'e
Guurtiga Isaaq kama gilgilan gabadha xaalkeeda
Gashi iyo dakano hore inay gocanayaan mooyi
Aqoonsiga go'doonka ah inay gocanayaan mooyi
Wixii gaaray Yaasiin inay gocanayaan mooyi
Taariikhda waxa galay inay gocanayaan mooyi
Gabadha baaristeedii inay gocanayaan mooyi
Gardaradiyo ceebtii inay gicanayaan mooyi
Gayaan naga xariman tii inay gocanayaan mooyi
Fooxlihii dembiga galay inay gocanayaan mooyi
Towfiiq gefkoodii inay gocanayaan mooyi
Gabayada silsilada ah inay gocanayaan mooyi
Sidii la isku soo galay inay gocanayaan mooyi
Waddadii gantaaleyd inay gocanayaan mooyi
Labada Gobole soo go'ay inay gocanayaan mooyi
Sannadkii garoobaale inay gocanayaan mooyi
Gacaltooyadeenii inay gocanayaan mooyi
Is gar-gaarsigeenii inay gocanayaan mooyi
Galbihii beri samaadkii inay gocanayaan mooyi
Calankii shan gees laha inay gocanayaan mooyi
Dalsankii ay ka guureen inay gocanayaan mooyi
Labada webiye aan go'in inay gocanayaan mooyi
Geedihii Canbahoo baxay inay gocanayaan mooyi
Ganacsigii Bakaaraha inay gocanayaan mooyi
Gobolada Dhexiyo Bari inay gocanayaan mooyi
Xoolahayaga gaanka ah inay gocanayaan mooyi
Caasimadu waa gobe inay gocanayaan mooyi
Gad gadoonki Xamarweyne inay gocanayaan mooyi
Muuskii galoolnaa inay gocanayaan mooyi
Ganacsigii xorta ahaa inay gocanayaan mooyi
Beeraha gesiinka le inay gocanayaan mooyi
Ceelasheena aan go'in inay gocanayaan mooyi
Badda gees ka gees waran inay gocanayaan mooyi;
Geedihiyo mirihii inay gocanayaan mooyi;
Gosha webiga beeraha inay gocanayaan mooyi
Wuscigi ay ka guureen inay gocanayaan mooyi
Gacan shisheeyaa haysee inay gocanayaan mooyi
Galleydiyo harruurkii inay gocanayaan mooyi
Gaashaandhig beeleed inay gocanayaan mooyi
Gabaahiirta lagu ooday inay gocanayaan mooyi
Guryaha Xamare dhaadheer inay gocanayaan mooyi
Garowgi iyo Muufadii inay gocanayaan mooyi
Galaaskii bunbeelmada inay gocanayaan mooyi
Babbaaygii gaduudnaa inay gocanayaan mooyi
Laxooxdii gadaaneyd inay gocanayaan mooyi
Guurkii jabnaayoo Xamar inay gocanayaan mooyi
Reer gini ku filan yahay inay gocanayaan mooyi
Guryo iib ahoo jaban inay gocanayaan mooyi;
Deris kuu guntadoo gacalla inay gocanayaan mooyi
Ineeyan beeli go'i karin inay gocanayaan mooyi
Hankoodii la gaasiray inay gocanayaan mooyi
Kaftankayagii gacalnimo inay gocanayaan mooyi
Gabaygi iyo heesihii inay gocanayaan mooyi
Maraakiibtii ganacsiga inay gocanayaan mooyi
Xabxabkii gaduudnaa inay gocanayaan mooyi
Gacalkii isku duubnaa inay gocanayaan mooyi,
Dhul aan gaajo loo dhiman inay gocanayaan mooyi
Wixii eed la kala galay inay gocanayaan mooyi,
Laydh iyo biyo aan go'in inay gocanayaan mooyi
Geedaha miraha sida inay gocanayaan mooyi,
Halkii gorofta lagu tuuray inay gocanayaan mooyi
Meeshay ka go'i taladu inay gocanayaan mooyi,
Reexanta geed Xamarka inay gocanayaan mooyi
Geyiga cimilada u wacan inay gocanayaan mooyi,
Gobaadi ay bar gooyeen inay gocanayaan mooyi
Gujadiyo qaniinyadii inay gocanayaan mooyi
Galbaa habari geysaa inay gocanayaan mooyi,
Sagaal goroyo cowleed inay gocanayaan mooyi
Dabarki ay ku giijeen inay gocanayaan mooyi,
Geeridii Cigaal oo tigruhu uu tacsida geeyay
Oo gaaladu kasoo qaybgashoo turunbo loo giijay,
Garoonkaad ka celiseen wafdigi Geelle soo diraye
Ma weydnaan abaal gudanin ama gelinin taariikhda;
Gabaygi Qaasim iyo waxaad tidheen ficilki Guuleede;
Nin raggoon abaal gudani waa deero gees jabane,
Labada gobol nikaaxoodi aan gabay ku soo qaatay,
Xarrigii gabdhaha maaha ee waa gun dheeryahaye
Gefkiyo ceebta mooryaan galaa laga garaabaaye
Garsoorka iyo labadii goliyo Duqa go'aankiisi
Afartuba dunuubtay galeen gar iyo dow maaha
Intaasaan ku soo gaabiyaye gacalloow aashiina!

Gocasho iyo Hiil

Waa gabay xanbaarsan jawaabihii abwaanada iyo Abshir Bacadle ka hor iyo dib gabaygii hore ee “Gob Cunsuri ohoo,” waayo meesha waxaa ka sii socday gabayo badan oo ay soo mariyeen abwaano badan oo ka soo jeeda degaanada Soomaalilaan kuwaa oo ka dhiidhiyey gabayada Bacadle oo xiriirka la leh xarigii Samsam Axmed Ducaale, Abshir oo garwaaqsanaya gabayada qaarkood iyo carada abwaanada ayaa soo saarey jawaab suugaaneed oo uu garwaaqsanayo dareenka suuganeed ee abwaanadaa Soomaaliyeed laakiin ku adkeesanaya fikirkiisii hore sida dabeecadda Abshir Bacadle lagu yaqaaney, malaha waa dhaxal degaanadaa Mudug ee uu ka soo jeedo. Waxay ahaataba abwaanka ayaa waxaa u suuro gashay in uu aqriyo inta badan gabayadii abwaanada wuxuuna halkan uu jawaab ku siinayaa toddobo ka mid abwaanadaas oo uu ku yiri:

Cigow gabay asluubeysan oon garanayaad sheegtay
Garna waad u leedahay inaad gocasho riintaaye
Mase garwaaqsan karo inuu tolkaa gabadha taageeray

Gabayga Maxamed Cali waxaa ka dilay ceebuhuu galaye
Sidii geed salweyn buu u dhisnaa oon la goyn karine
Gadowgiyo sargooyada innaba laguma gaareyne

Maxamed Xirsi Guuleed lix aan garanayuu sheegay
Gabay nuxur le oo gaaban buu gacanta ii saaray
Guuleed gujada beeshu waa gabadha hiilkeeda

Ina Dhagaafe gabaygiisu waa gar iyo taariikhe
Go'aan adagna wuu qaatay oo gobi ku naalooto
Wuu noo garsooraye cidnana kuma garaafeyne

Axmed Naasir gabaygiisi waan garanayoo ruugnay
Gar adeega iyo meel danboo gubad le mooyaane
Gabaygu laaxin male wixii gafana gabadha hiilkeed dhe

Gabaygi Shiino guba kama duwana garashadaydiiye
Garaafooyin iyo waxaa ku jiray waa la aar gudane
Halkuu gaaray iigama go'neyn waa dagaal geline

Gabaygi Maxamed Aw Yuusuf uu Baran ka soo giisay
Gocasho iyo hiil buu ahaa gun iyo baar taabtay
Gogol lagu garramayoo kalaa loo gunaanadaye.

Beel Yahay Gadooday

Gabaygaan sidoo kale Abshir Bacadle waxaa uu jawaab ka bixiyey hadalkii Feysal Cali Waraabe iyo Xabsigii Samsam, inkastoo abwaanka uu gargaar u fidinayo gabadha Soomaaliyeed haddana maansadiisa kama marna caro ay la socoto aflagaaddo iyo cay, wuxuuna yiri:

Ma aha Feysaloow goosashadu reero kala guuray
Oo arigi kala guranayoo geeli kala soocday
Oo xoolihii kala geddiyoo gobolba meel aaday
Oo awrku maqashii ku guray xariggana u giijay
Mar uun buu nikaaxani guntamay gaasir ma ahayne
Gundhiggiyo heshiiskii la galay miyaadan soo gaarin
Gu'gaagaa yar ee Feysaloow gacaloow aashaada
Inaad gacan labaad doorataa kuuma soo geline
Afartaa intaan kaga gudboo waan gunaanadaye
Maxkamaddiini gabar lagu habsaday gadatay dhiiggeeda
Go'aankeedii nacasnimo ma waan gobi ka shuureynin
Ma golayaashii iyo guurtigibaa garasho naafoobay
Ma gablamay Cigaal ficil xun waa laga gadoodaaye
Guddiga habar Magaadlahoo wanjalay gabaraan qaan-gaarin
Oo si ay god ugu sii ridaan weli la goobaaya
Wax taariikhda galayaa jiroo lagu gumoobaaye
Ku gaar-yeela ficilkaa ninkii gabadha eedeeyay
Gaangeeti jaqaleysigii waydin gaasiraye
Geenyada yaroo soo martiday guriga sheybkiinna
Amay gabadhu ka hinaastay waa gob iyo xeerkeede
Oo odaygu garan waayay waxa gubaya xaaskiisa
Haddii gogosha lagu hiifayoo lagu gantaaleeyay
Gar maahayn inuu gabadha xiroo cadow u geeyaaye
Go'aankiisa nacasnimo mawaan gobi ka shuureynin;
Nebi Yuusuf wixii gaaraybaa meesha soo galaye
Samsamna kiis ma gelin ee Maseyr guuxayaa xiraye
Guntii hadalku waa kaa haddaad garan kareysiine
Beel yahay gadoodayoo go'daydoo gabar ku ciil beeshay
Oo inan yaroo guri gashay ay kaga gariirsiisay
Oo garan waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin
Ma weydnaan gabdhaha sharaf u hayn garasho yeelkeede!
Gun iyo baar ma gaangeetigaa gubaya ruuxiinna
Gobos-nowdii Xabashida miyaa tan idin gaarsiisay
Gablan talo adduuneey maxaa galaya Taariikhda!
Gacal ma lahan nabad-sugiddu waa Shuuci gaamuraye
God buu idinku riday odaygii aad garabsanayseene
Geenyada darmaantaa rag waa gacalo eegaaye
Waxaan gacani qaban baa jiroo gobi ka sheexdaaye
Mar waa gabar, mar waa idiin gayaan, mana ay qaan-gaarin
Marna guri nin weyn bay gashoo waad u gudubteene
Hubna gacanta kumey sidane waad gubi lahaydeene
Gun miyaad tihiin ficil xun waa laga gadoodaaye
Saqiir magan il-galacle ah miyey idin ka geyn weyday
Maxaa gabar qariibahoo martiya loo argaagixiyay
Afartaa intaan kaga gudboo waan gunaanadaye;
Lixdankii nikaaxi aan galnood gacanta soo taagtay
Anna aan guddoon kugu aqbaloon kaawada u giijay
Guntana aan badweynta u dhignaa goo is leedahaye
Ma gil-gili kadhiin boqon sanoo gocosho riintiine
Halkaan feylashiinni u gudbiyay amase gaarsiiyay
Feysaloow ma gaadhiin Tikrena garanba maayaane
Inaad naga go'diin iyo bal daa gaalo raacnimo e'
Gundhiggiyo heshiiskii adigu amaadan soo gaarin
Gulufkiyo hinaaskiini waa soo gabaabsadaye
Go'aankii Tikrihu Feysaloow waa gabaa hirige
Gidaar adag rag baa u dhigay si aan la iiga kaa goyne
Intey caradu gaagixi un baad gooni joog tahaye
Inaan gacan labaad kuu fasaxo iima soo geline!

Ma Qaddarisay Sheekhow?

Waxaa gabaygan loo tiriyey Shiikh Maxamed Guuleed Kaarshe, oo ahaan jirey wasiirka arrimaha diinta ee dowladda Maxamed Siyaad Barre, kaddib markii lagu eedeeyey inuu dhib u geestay hablaha asturan oo xijaabka qaatey qaarkood, isla markaasna uu dhibaato ku sameeyey dhallinta wadaaddada sida uu u arko Abshir. Mar kale maansadaan kama marna gaf iyo aflagaaddo iyo habaar uu abwaanka ku kacayo oo ku socota Shiikh Maxamed Guuleed Kaarshe inta uu noolaa Shiikha, waxaanse filayaa in waqtigaa oo ahaa horraantii siddeetamaadkii uu xaalka saxwada iyo ururrada Islaamiga sidaa ahaa aragtidooda. Habaarka iyo aflagaaddada weyn ee Bacadle Sheekha ku haaraamayo waxay tilmaan fiican ka bixinaysa sida uu abwaan Bacadle, Alla ha u naxariistee, uga qaawan yahay xishoodka iyo usluubta maansada in habaarka iyo cayduba ka reebantahay hadal murtiyeedka, gaar ahaan marba haddii la isku khilaafsan yahay arrimo diinta ku lug leh. Sheekh Maxamad Guuleed, Alla ha u naxariistee, sidaan horay u soo sheegnay, wuxuu ka mid ahaa culimadii waaweynayd ee doorka fiican ka qaatay fidinta diinta Islaamka. Dad aad u badan ayaa ka aflaxay tafsiirkii Qur'aanka Kariimka ee uu Masaajidka Siigaale ee uu Xaaji Ibraahim Uunlaaye, naxariis janno Eebbe ha siiye, isagu maalkiisa ku dhisay. Maansadu waxay leedahay sidan:

Ilaahow adaa Qaadirahoo Qaniyohoo weyne
Quwad malaha iyo xeel Rabbiyow adiga qayrkaaye
Weligaa waxaan kaa qabsado wey qaddarisaaye
Abidkaana ima qadin intaan Qaadirow iriye
Caawana qasdaan leeyahoon kuugu qayshadaye
Ilaahoow baryada haygu qadin Qaadir baa tahaye
Qabuuraha markey tuugayaan qoloda aan sheegto
Qalbigayga waataan ka jaray adiga qayrkaaye
Quraankiyo Sunnaha kaliya baan amar ka qaataaye
Intaasayna nagu qoonsadeen qurabadeeniiye
Anba waan ka qiiroon lahaa qadafka kaagaaye
Nama qabato inay nagu qoslaan qaacya nuugyaduye
Gamuunyada inaad naga rogtaan kuugu qayshadaye
Ilaahayow baryada haygu qadin Qaadir baa tahaye!
Wadaadkaa markaa qabatid iyo qolada taageedha
Qasadkaygi waan kaa hayaa qaaliga ahaaye
Siigaale waaguu qabsadey kana qudbeynaayey
Qalbigaan ka taageeri jirey qaybka ma'ogeyne
Nin qabiil ku haaraamay baan qaadacoon jaraye
Waxaan ugu qidmeyn jirey inuu qiimo leeyahay
Quraankii Rabbigey waa ka tiray qaaliga ahaaye
Qalbigiisa waa laga masaxay qowl Ilaah yiriye
Qayliyo sawaxan buu beryahan qaaqda la hayaaye
Qisas baa ku soo haray Ibliis qayb ku leeyahaye
Qaadiriyo weeyuu na yiri quracda waaweyne
Ilaahey ku soo qabay muxuu been qayaxan sheegey
Qasadkiisa weli meydan garan wuu qarsanayaaye
Waa Shuucigii naga qixiyo qolodi waagiiye
Wuxuu talada kala qeybgalaa qoon la moogyahaye
Qur'aankiyo Xadiiskay rabaan inay qasheeyaane
Qusacbalaad quraafaad ah bey qeybinahayaane
Waxaa qaranka lala maagan yahay qaalmo rogodkiiye
Wadaadyahow gabdhaha qaawan baad qayb ku leedahaye
Nin qamiis u tolayoo asturay qaran ma ceebeyne
Qasadkaaga waan garanayaa qiiqu dabayaale
War hooy boogta qolofaysatiyo qurunki daawoobey
Qodqodkeeda naga daa marbey qaranku aaseene
Maraadse qoomamaysaba haddaad qalinka haysaaye
Ma qaddarisey Sheekhow dunida qaalmo rogodkeeda!
Haddii laba qabiil diridho oo qolo la naafeeyo
Maatida raggii laga qashaa nabad ma qaataane
Muxsinaadka aad qaawisaye qadaftayeed cayday
Qarni dabadi hay gaadho ama bilahan qaarkoode
Inshaa Allaahu saan kuugu qoray waa laguu qabane
Qaaxadu dawey leedahoo kuuma soo qabane
Rabbi cuduro laga quustayoo qaraxa kuu keenye!
Qobku kaa dhac oo soo qayaxan hilibka qayriine
Qalal iyo qalbi la'aan Rabbigey qoorta kuu geliye
Qabrigoodan gelin naar dhadhami dunida qaarkeeda
Qalbigaaga maal iyo xinjiri ha isku qooshmeene
Qofna kaama haro kii sunnaha qaata mooyaane!

Qabiltuba Ha Oran

Ujeedada gabeygan waa ammanta iyo bogaadinta xijaabka iyo asturka dumarka, iskastoo Abshir ku bilaabayo gabeygiisa hal qabsi uu ku hal qabsanayo saaxiibkiis iyo arrimo khaas ah oo soo martey oo dhici karto inuu saaxiibkaa ka raali ahayn in maanso lagu soo gudbiyo arrimaha noocaan oo kale ah oo aan faa'iido badan lahayn.

Markaan gabayga soo qaato oon qolo u faalleeyo
Qasadkeygu meeshuu yahaan qac uga siiyaaye
Qabyo ugama tago oo murtida waan qadderiyaaye
Bal aan kaa qanciyo guur mar buu qiimo leeyahaye
Marna waa qasaariyo dhib iyo qoomamiyo ciile
Qafladdoodan gelin Muxamadow qaado taladeyda
Oo gooraan wax laga qaban kareyn ha ila soo qaadin
Rabbi naguma qaban naag qurdane qoora loo tolaye
Awlaad qayiran bay dhashaa naagta qaawaniye
Qosolkeeda waxaa laga maqlaa qoyska deriskaaye
Adoo qarash garoobaa nin kale qalaf yiraahdaaye
Markaasey qarracan kuu tihiyo qoomamiyo ciile
Qabiltuba ha oran naag sunnaha qaado laga waayey
Ma adaa quraafiya maxaa qoorta kuu geliyay
Awlaad qarriban Maxamadow lagu qasaarowye
Intay qamarji kuu dhali lahayd qaado taladayda
Waxaa suuqa qoodaynayood qalanjo moodaysid
Mid kastoo qurxoonayd Rabbigey wuu qayirayaaye
Qalbigaaga ka ilaasho waa qara dameeraade
Qaman dhaco xun baa saaranood kaga qancay saaye
Warqaadiga bal maa'eegtid iyo qoyska xugunkiisa
Laga quusay dumarkii markey dirica qaateena
Rag maxaa qabsaday Maxamadow wey qarsanayaane
Mid kuu qalanta oo qurux leh waa qalanjadaadiiye
Qalbigaagu waa tuu waxbadan qaaliyayn jiraye
Quruuraxa kabadan sheekadaan qariyay Deeqoowe
Ma qadarisay waagaad hurdada qaadan kari wayday
Waqtigay iyadu qabato ood soo qaddimaneysey
Qorraxda iyo saacadihiyoo qaab u socon waayey
Qarqaryadiyo dhaxantii harkii qadada kuu diiday
Ma qadarisey waagay naf kala kula qaraaraatay
Habeenkaad wax ila qaba lahayd waan qarxanayaaye
Qalbigaaga waataan ka rogay qaxanki saarnaaye
Sidaan kuula qaybsaday dhibkii sow qadarimaysid!
Adaa qubaya taladayda oon qiima galinayne
Waligayba qoon ila tashaday kuma qasaaraane
Haddii aad ayada qoonsatana qaar kalaa badane
Gabdhahaa qamiisyada watoo qariyay jiirkooda
Iyagoo daruus qaatay oo qoloba meel aaday
Qunyar socodka aadaabtiyo quruxda sow maarag
Mid la quuri karo laguma oga qalanjo mooyaane
Jalaabiib markey qaadatoo qariso jirkeeda
Qashqashaad la'aan bay waddada qun isu buustaaye
Qofna uma dhawaaqee shacbigu waa qaddariyaane
Qayliyo sawaxan lama tusiyo qaacya nuugyadaye
Nin Ilaah u qoray baa calfada qaarka salafkaaye
Inaan nimanku kula qaybsan karin sow qadarimaysid!
Mar haddaad Quraankiyo Sunnaha Qaadirku adeecdid
Qasadna aad uleedahay nikaax waa laguu qabane
Afkana uma kala qaadayaan adiga qayrkaaye
Waxaad adigu soo qabato iyo qarashka mooyaane
Inaan yarad lagaa qaadanayn sow qadarimaysid
Qaraabiyo martiba ducada waa kaaga qubayaane
Qolkana looma soo dhaafi karo qaybta gudahaay
Qalbigooda waa laga masaxay adiga qayrkaaye
Inaad gogasha dhab u qaabishay hibo u qaateene
Quratul cayni mooyee war kale wey qajilayaane
Qadartoo dhammaatiyo Rabbiyoo qaata mooyaane
Qabrigay din kala gaynayee sow qadarinmaysid!
Haddiise tan ugu qurux daran adiga Qaadir kugu beego
Kumanyaal xubnaha qaawiyay qiimo dheer tahaye
Qasadkaad lahayd baa Rabigay kuu qadarayaaye
Awlaad waxaa ugu qurxoon qaar ku shaabahaye
Qalbigaad ka nagidahay markay midabka qaataane
Qasqas malaha oo waa Muxsinad qaar ka soo go'aye
Ilqabowsataa raaxa lehe sow qadarin maysid!
Mar hadii nikaax kuu qabtoo Qaadir kula doono
Jirka nimanka laga qarinayay kuu qayaxayaane
Qosol dibadda laga soo maqliyo qayla dheer malehe
Dhoollaha markay qaawisoo gacanta kuu qaado
Saxan saxadii qiimaha badneyd sow qadarinmaysid!
Quraan iyo Xadiis bay intaa qowda ku hayaane
Qumulaylka goortaad hurdada qararac siinaysid
Qaban qaabadii bay hayaan qaaliga ahayde
Waa kuu qandiiroo biyuhu kama qaboobaane
Mar ninkay qabtaan kama sabree soo qadarinmaysid!
Qalbigooda iimaanka galay qaalinimadiisa
Ma qiyaasi karo kolay qaarkasoo tagaye
Qanaacada waxaa kaaga daran qarash yaraantooda
Ilaahay wuxuu kuu qoraad qaada leedahaye
Xalaan qaday ka baqi maysid iyo qaali loo tago e
Waxba gabaygu yuu ila qarxane waa qabirayaaye
War hooy dahabka qiiriini waa qiima saa'id ahe
Waa qaafilaad ruma haddaad igu qancaysiine
Oo waa Qaasiraad iyo Atraab qeybta dunidaahe
Gabdhahaa qamiisyada watee qariyay jirkooda
Nin walbow mid ama laba ka qabo yaan lagaa qadine!

Qaata Taladeyda

Waa afarrey gaaban ee uu Abshir Nuur Faarax bulshada kula hadlaayo, una soo jeedinayo dhowr arrimood oo talo ah, waxaana talooyinkaa ka mid ah in diinta Islaamka lagu dadaalo iyo in la baadi goobo qarankii Soomaaliyeed ee dumey oo dib loo yagleelo.

Haddii talada aan soo qadimo la iga hoos qaado
Qof kaleeto uma baahnidiin Qaadirkaa faxane
Qabiilka iyo qaadkiyo markaan qoriga tuuryeyno
Oo aan murqaha qaawinoo shaqada qiimeyno
Ama aan qurbaha kaarahnoon qodano ciiddeenna
Qof kaleeto uma baahnidine qaata taladeyda
Markaan diintayada qaadanoo qaranki raad goobno
Qabqablayaashanaan qaadacnaan qiimo leenahaye!

Qaadow Adigaa Leh!

Gabay ka hadlaaya waxyeellada iyo dhibaatada qaadku ummadda u leeyahay oo uu tiriyey abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle. Gabeygaan waxa uu noqdey gabayada ugu caansan maansooyinka uu curiyey abwaan Abshir Nuur Faarax, Ilaahey ha u naxariisto.

Boqollaal qorshoo wada qabyaa qaadow adigaa leh
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Qatar caafimaadoo qarsoon qaadow adigaa leh
Qabri kahor qandho aan laga bogsoon qaadow adigaa leh
Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qooraan wax tarin qaadow adigaa leh
Qardarreeye kaadida ha qubo qaadow adigaa leh
Macdan qubata hawshoon la qaban qaadow adigaa leh
Raggoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluubtoon xasilin qaadow adigaa leh
Qamiistiyo Jimcaha yeyga qaban qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac yabaal qaadow adigaa leh
Iska qari cid baa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qanceyn qaadow adigaa leh
Wax nin wayni qaadoo qawado qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Qof kaa hoosa laba qori ka tuug qaadow adigaa leh
Dhalinyaro afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Kaga qaada qori caaradii qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqlanimo qaadow adigaa leh
Qoys dumiyo qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehelaan la tebin qaadow adigaa leh
Is qandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh
Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
Qannaaskiyo waswaas kaa qarsoon qaadow adigaa leh
Ibliis qarawga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanku aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
Qosolaan qalbiga hoose jirin qaadow adigaa leh
Qasad dhaara qawlaan la fulin qaadow adigaa leh
Qur'aan lagu kaftamo qadafya been qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh
Waa quutul owliyaad kidbiya qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
Ku qasaar macaashkana ku qaraw qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shil qoran qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh
Indha qoriya iyo dhidid qurmuun qaadow adigaa leh
Qaaddirada subixii ku qaban qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sidii qof qalan qaadow adigaa leh
Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qurux doorsantiyo dhimir khalkhala qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawso qodan qaadow adigaa leh
Af qashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh
Af qalalay bushimo qolof dhacsaday qaadow adigaa leh
Isla qabwayni aan sii qodnayn qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
Quraysh gabara waxa qiima rida qaadow adigaa leh
Gabar qurux u dhalatoo qayiran qaadow adigaa leh
Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Tafa qaawan dumar wada qarriban qaadow adigaa leh
Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
Qofka aadmigoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Quflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qabyaa qaadow adigaa leh
Qaaddicu salaadnimo qasada qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la'aan qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir u gey qaadow adigaa leh
Qaamuuska cay waxa ku qoran qaadow adigaa leh
Qiso yaab lahooy qarinayaan qaadow adigaa leh
Afku wuxuunan ii qaban karayn qaadow adigaa leh
Qandaraaska qababaal xumida qaadow adigaa leh
Qarnigaan qasaaraha u badan qaadow adigaa leh
Quful kugu jaboon furuhu qaban qaadow adigaa leh
Nolol qiyaali ehe qiima daran qaadow adigaa leh
Qacna maahi qaybina imaqan qaadow adigaa leh
Hadal qararac laahoo qaddiman qaadow adigaa leh
Iska quusashada lays qaddimo qaadow adigaa leh
Rag bey qaaday qirish kama bixine qaadow adigaa leh
Kabar qolofa xaabshaan hor quban qaadow adigaa leh
Qaangaarro qayrkood ka haray qaadow adigaa leh
Ha qasaalin lama qoonsadee qaadow adigaa leh
Ku qaraabo xalay waa qadeen qaadow adigaa leh
Qada isiiya meel kale ku qoran qaadow adigaa leh
Qaatilu nafsihi kuu qabiran qaadow adigaa leh
Quukhaac dalqada laga qufaco qaadow adigaa leh
Marduuf qaadoo iisoo qafaal qaadow adigaa leh
Qawlalada cagaar kaa qubtana qaadow adigaa leh
Qallad iyo inkaar qoorta suran qaadow adigaa leh
Qolfa muuqda iyo qoon la rogay qaadow adigaa leh
Quraafaad Qu'raan lagu matalo qaadow adigaa leh
Hadba qaaba qawsayn kirkira qaadow adigaa leh
Qabya tiraha daankoo qonbora qaadow adigaa leh
Il qalloocan camankoo qaldhacan qaadow adigaa leh
Qummanahooda qoorta ugu jira qaadow adigaa leh
Sidii qadow laguu qawshadana qaadow adigaa leh
Qorya feenashaan laga qajilin qaadow adigaa leh
Qori isiiya waa iga qabyee qaadow adigaa leh
Mar ii qaada aan qaaddacee qaadow adigaa leh
Qatar iyo qabyaan la ebyi karin qaadow adigaa leh
Boqolkaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatalaka-llaahuye adigaa qaranka aafeeyay
Ilaahey ha naga kaa qabtee qayba herawiinle!

Erayada

Qawada: Saluugga.
Qamiis walaf: Shaxaadka waalan oo maalinta Khamiista iyo Jimcaha ka cararaya.
Qaac yabaal: Tashwiishka shaydaanka.
Qannaas iyo waswaas: Ilmaha shaydaanka qarsooma durbana usoo nagda.
Qayiran: Jirkoo jilca iyo midabkoo beddelma.
Dhimir: Xiska ama ogaalka.
Qanaafiir: Gaalo madowga.
Qababaal: Anshax xumada.
Kirkira: Iriiri badan.
Qonbora: Daankoo kuusma.
Qadow: Waa geed baadiyaha ka baxa oo la cuno.
Ebyi: Ebyid, abyada ka bi'in, dhammaystirid, buuxin.
Qaatalaka-llaahu: Waa kalimad Carbeed oo ku tusineysa habaar aad u xun. (Carabi: قاتلك الله)
Herawiin: Waa nooc ka mid ah daroogada iyo maandooriyaasha. (Ingiriis: heroin)

Qabyaalad

Abshir gabaygaan waxaa uu tiriyey markii uu waddankii Soomaaliyeed burburey, taana sababteeda ay ahayd qabyaalad iyo waxii la mid ah, isaga oo arrinkaa tilmaamaya waxaa uu tiriyey gabaygaan aadka u qiimaha badan, oo qof walba oo qiiro Islaam iyo mid waddanimo leh uu ku khashuucayo, wuxuuna caddeeyey qabyaaladda waxa ay tahay oo run ah:

Haddii lays qaddariyey murtidu qiimo leedahay e
Qasadkiyo ujeedaduna way qiiro galiyaane
Sidaad ugu qotomisay nafluhu ugu qushuucaane
Munaasabada lagu soo qadimo kama qatoobaane
Suugaantu waa qeyb ka mid qaalabka taariikhda
Qoraaladuna kaba qiimo badan mana qarsoomaane
Nin waliba wuxuu noo qabtiyo qaladku noo geystey
Diiwaano qoran baa jiroo lagu qoraayaaye
Qof qaruurad calashoo dejiyey qoomamee abide
Intaad qaran ka kala goyn lahayd quruxso taariikhda

Qarniyada danbaa kugu naclada ficilka qaarkiise
Quruun waliba cudur qaasahoo qaybiyaa jira' e
Soomaali belo loo qoraye qalinka loo saarey
Wax qabiil ka daran jahanamaan qiray aqoonteyda
Qadartaana iga hiilisaye qolo ma sheegteene
Qof qalbigii qabyaalad iyo diin qaadi kari waayey
Umana qaybsamee meel unbuu qac uga siiyaaye
Maanaa Qur'aankiyo ka taga qawlki Nabigeena
Qatli muumin maanaa hub iyo qarash ku taageera
Qabrigeyga maanaa gatoo qubaya diinteyda
Maanaa qabiil doorbidoo qaranka aafeeya
Ma'qaruuradbaan calashadaa qodata beerkeyga
Waa quudka dhigo ruux Muslima hilibki qeyriine
Ilaahayow adigu haygu qaban Qaadir baa tahaye
Qaraabo iyo ehel riximnimaa loo qadariyaaye
Waa sanam qabyaaladi haddaad igu qanceysiine
Waa qaaxo iyo kaankariyo eydis qaabdarane
Waa qowqam iyo sixir qalbiga qaaciyoo shida e
Waa qaaba qawsayn dagaal qaciyo yaahuu e
Qanjir boogi qodatoo qurmoo qolof la' weeyaane
Qandiga fuqurka iyo xaasidkoo qaraxa weeyaane
Waa gorofta lagu qaybiyaa malaxda qayriine
Waa guri qabyaa weligiyoo lagu qaraabtaaye
Waa shay quraafaad ahoo aad qadarisiine
Waa qayb daroogada kamida oon la qaadicine
Waa waxa qaxootiga ka dhigay boqol kun oo qoyse
Waa waxa qalbiga nooga riday qaata ubadkiina
Waa shey qiyaamiyo qabriba qoomamiyo ciil leh
Waa shey saciid qiimo tira shaqina qaaleeya
Waa shey Rabbigey noo qaddarey naguna qaameeyey
Qalbigiina ka ilaashadoo wadajir qiimeeya
Oo qaangaar fidnoobee ilmaha yaan la qabadsiinin
Qabiil qaran beddelay qorina helay oona kala qaybshey
Oo aan wax noo qabanin baa qubaya dhiiggeena
Afartii qibliyo irrid walbey qori la joogaane
Qumbuladdii Hoorashiimoo kaley nagu qiyaasaane
Qof inaaney naga reebin bay qalin ku duugeene
Naga qabo Ilaahow adaa Qaniyahoo weyne
Qabyaalad iyo iimaan la'aan qooqay beys helaye
Kumanyaal qariban bay dhaleen qorina heegeysan
Oo qaaxo iyo eydis qabo qaadse ku ilaawey
Mar uun bey magaalada qaseen kuna qamaameene
Qacdii horeba bililiqo un bey inagu qaadeene
Nimankaa tafaha qaawan oo qoriga heegaysan
Haddaan beledka laga qaban wallaa looga qaxayaaye!
Qof Muslima qabyaalad u diloon ficilyo qawl geysan
Qasadkiyo ujeeddaduna tahay lagu qisaasaayo
Qabiilkaa muxuu uga dhashaye Qaadir uga yeelay
Qiso murugo iyo yaab lahoo quruna sow maaha?
Qof kastoo ka qayb qaata ama qarash ku taageera
Nafta goorta laga qaadayoo laga qibloonaayo
Qacbaa loogu siiyaa indhaha kiiski loo qoraye
Waxba gabaygu yuu ila qarxine waa qabirayaaye
Kama quusto qayr sheeg dadkuna igama qaataane
Rag unbaase qiimeynayoo qoraya taariikhda
Ha qaddarin dimoqraadi waa qolo afkaartoode
Hantiwadaagna laga quusayoo lagu qasaarowye
Quboo daadsha labadabo wallaan lagu qaboobeyne
Quraankiyo Sunnaha muqaddaska ah qaata xugunkooda
Qurratul Ceyni Nabi Muxamed baan lagu qasaareyne.

Qabashada Rabbigay

Waa gabay uu abwaanku dadka uu tusaaleenayo in la foojignaado oo aan la hilmaamin nolosha danbe ee aakhiro, waxaana filayaa in gabaygaan intaan ka badnaa.

Qabashada Rabbigay waa sidaa balad hadduu qooqo
Xanuunkaa qiyaas dhaafa oo qiriyo xoog yeesha
Imisay nimcadu qooqisoo Qaadir ku halaagay
Guryihii qurxoonaa dibkood laga qaxootowye
Qaryoo idil qiyaamaha hortibaa Qaadir soo qabane
Ama lagu qarxinayaa cadaab qoranoo diiwaan le'
Wax ku qaata qaraxa idin helay qoom walbuu sugiye
Haddaad aayadaha quursatiin qoomamaa xigiye.

Laye Bacadle Wuu Kacay

Gabaygani waxaa uu tilmaamayaa daruufo dhaqaale oo aad u adag oo soo martay Bacadle taas oo keentay inuu dib u iibsho hantidiisii maguurtada ahayd oo ubadneyd guryo, kaddibna uu degey guri kiro ah, taas oo ay ku farxeen dadkii ay isaga soo horjeedeen xagga caqiidada oona u badnaa qaraabadiisa taariikhdu markey aheyd l986kii.

Adduunyada waxaad kororsataa kediso weeyaane
Warkase leyga kaakeenay waa kaanuciil qabaye
Waa ii kalgacal iyo farxade kaagama an xumiye
Laye Bacadle waa kacay wuxuu keydiyoo dhigaye
Laye aqal kiraa buu galoo lagu kadeedaaye
Laye Koostarkii wadajir buu kor isu taagaaye
Laye kimista aqalkiisa waa lala kurboodaaye
Laye waa kallaha guurayaa kaaha waaberiga
Laye kadinka kuwa dayn kula haad koronkor moodaaye
Laye keen wexeygaa kulyoon lagu kabeeyaaye
Laye kooxihiisii bidcadu ummaaney kaalmeyne
Laye wuu kasbadey bay dheheen koob umey shubine
Kursi dahaba kumanyaal malyuun toban karaasiido
Konton aqal markaad yeelatood karahdey sheekheena
Ma karaama guurine durbaba waadigaa kacaye
Koonaha magaalada cariish wada karaatiina
Oo kira ah waadiga galoo kaaga maan xumiye
Kallahaada waadigaa aqbalay kaaha waa beriye!

Intaa kadib Bacadle oo jawaab bixinaya wuxuu yiri:

Ilaahey markaan kal iyo laab ugu kalsoonaadey
Oon kaligi tala saartay baad kahatay sheekhoowe
Kidbigiyo kuhaanada wadaad lagu karaameeyay
Iyo adiga kaashana hayaba weydin kaarahaye
Ilaaheyna wey kaafiyaa kun iyo kow jeere
Sidaan ugu kalsoonahayna waa kamadanbeystiiye
Kaliishiyo diraacdii markii la'iskadeedaayey
Rabbi kaligi mooyee cid kale idin ma kaalmeyne
Goortaad kurbooteen Shirkigu weydin soo karaye
Ka warrama kuwaad oran jidheen lagama kaaftoona!

Labadaa Ragcaa Hariye

Maanso aad u qiimo badan oo uu gabyaagu ku waaninayo ummadda iney ku dadaalaan salaadda gaar ahaan midda Fajirka ama subaxa.

Hurdo habarba korin weydeybay hor u yiraahdeene
Ka haab haabo horana u istaag waa hameen tagaye
Ha ka yeelin inuu kugu hayuu ku haminaasyaaye
Ka hool hool ilkaha huuradiyo hilibka duugoobey
Hinjiga tuure labadaa ragcaa hariye weeyseyso
Hameenada danbaad mahadisaa hilinka khayrkaaye
Hurdo lagu noqdiyo shaqadu waa taad hormarisaaye
Qofka habacsan waxaa lagu gartaa waa hurdo u jeelka!

Shirib

Ku hormar hooyadaa macaan hadhowna how lahaaga aad!

Masjid Yaa Ka Dheeraadey?

Waa gabey uu dood la furayo abwaanka dariiqooyinka diinta ee Suufiyiinta gaar ahaan kuwa siyaarada iyo bidcooyinka diin ka dhigta waxaa uu mariyey gabeygaan abwaanka bartamihii sideetamaadkii ee qarnigii tagey, laakiin sida aanu marar badan tilmaamney caddaalo kama muuqato habka uu abwaanku u cabbirayo arrimaha uu ka hadlayo waayo marka uu sawirayo Suufiyada ama dariiqooyinka waa ra'yi aysan badanaa la qabin qolooyinkaa ama been abuur ku jiro, sidaa kale waxaa uu abwaanka isaga qaldan culumada Suufiyada ee ahlu diinka ah iyo qolooyinka been abuurka ku shaqaysa ama khuraafiistiyaasha ah:

Mariidkiyo muriidiinta iyo magacdariiqoo dhan
In musiibo nimankaa heshoo maanka laga qaaday
Mid yarood ku garatiin ayaan muujinahayaaye
Mathal waxay u keenaan haddaad madaxda doonaysid
Waa inaad sarkaal sii martaa maamka kuu fura'e
Amaad qolo u sii magansataa kaaga magacroone
Macnahooda garo qurunki bey kuu maldahayaane
Abuu Jahal halkii uu maruu meesha soo dhigaye
Isna moog waxaa midihi waa macalinkoodiiye
Yaa maxabo Nabi sheegtayoo diiday marinkiisa
Mustaxsano bidcada tey rabaan yaa ku magacaabey
Oo yaa adiga kugu meeriyoo muran usuureeyey
Madaahiibta kale yaa uqaba macatabley gaalo
Ninkaan tooda soo marina yaa gaal ku magacaabey
Yaa calan intuu meel ka suray madaxa liiliijey
Madxi beena yaa soo unkoo dhaar ku malabeeyey
Yaa maal agoomeed cunoo malabsadoo laacey
Yaa maatadiyo caamadiyo dumarka miineeyey
Masjid yaa ka dheeraadayoo mowlac ka hinraagey
Wax Ilaah mamnuucoo sharcigu meel cad ka abaaray
Yaa waa mubaax yiri intuu qiil usoo mariyey
Qabri yaa dul mowriirsadoo maalmo ku habsaamey
Yaa dhagax ku muuneeyayoo maro qurxoon saarey
Muftiyaa xaqiray jaahilyaa madax u soo doortay
Yaa waa mijaas yiri, intuu qurun malookeeyey
Mas'alooyin ay garanayaan marada yaa saaray
Mushrignimo cad yaa suubiyoo kheyr ku magacaabey
Yaa midigta shaqadeeda neceb magansi mooyaane
Yaa nimuu mariilkii ku nacay mawdku darajeeyey
Madadkiyo manaaqiibtayaa kugula meereystey
Yaa maal qabeen jaahiliyo madaxada hoos rooray
Yaa mayd gar-gaarsadey rabina mala usuureeyay
Oo yaa mahad Ilaahey lahaa qolo kalow meershey
Yaa Muxamedkeenii la simay muqani Iiraana
Intaan gabayga soo mariyay waad ila maqleyseene
Mid ka ugu dambeeyaa wallee muran ka joogaaye
Mafaatiix adduun iyo jannada labada meeloodba
Suufiga muraadaynayoo maal ku gadanaaya
Iyo nacaska loo meeriyoo maalin wax u dhiibay
Mushtarkaa khasaaroobay baa muranka joogaaye!

Mahad Alle

Gabaygaan waxaa uu tiriyey Abshir markuu arkey nin aan dhego iyo indho toona laheyn, isaga oo arrintaasi ka cajabisey ayuu barbar dhigay ruuxa Ilaahey wax walba u kaamilay, lixda lixaadna u dhameystiran yihiin, haystana wax alla wixii uu u baahan yahay, oo noloshiisa ku saabsan, isla markaana waxaa uu u tilmaan tusaalaba siinayaa cajaa'ib ay leeyihiin malakuudka iyo khalqiga Eebbe. Gabaygaan waa midka uu ugu jeclaa Abshir gabayadiisa sida uu ii sheegey, Ilaahay ha u naxariistee.

Allaa mahad lahoo mudan ammaan waana loo magane
Rabbi baa macbuud xaqa ahoo muran la'aaneede
Rabbi baa cibaadada mutoo lagu mideeyaaye
Rabbi baan midnimadiisa uga marag kaceynaaye
Rabbi baan musaawaad laheyn lala maseeyaaye
Rabbi baan tashbiih naga mudneyn amase miisaale
Rabbi baan mid uu sugo ta'wiil loo micneyn karine
Rabbi baan Mareykan iyo Ruush minid ku qaateene
Mudduuse u qaddaray iyo inay madasha gaaraane
Rabbi baa masaamaxa addoon mudan cadaabkiiye
Rabbi baa makhluuqaadka idil Maaligooda ahe
Rabbi baad wuxuu kaa manciyo kala maqnaatiine
Rabbi baan muwaxid hoojineyn mowlanaa yiriye
Rabbi baan wixii loo martiyo oon macsi ahaynin
Cidna kaga masuugayninoon muudal ku ahayn
Hadduu madal u yeeliyo hadduu markan noo dhiibo
Ama uu masiibooyin iyo balo ku maareeyo
Rabbi baa musiibo iyo kheyr maamuloo wada'e
Rabbi baan mid uu kuu qadaro maaro loo heline
Rabbi baan wuxuu maago duul maanacaa jirine
Rabbi baa kufaarta umarxama mararka qaarkoode
Oo miid u shuba say wanaag ugu maleeyaane
Aakhirana naar ay muteen geliya moolkeeda
Rabbi baan ninkii madaxa iyo maqada hoos joogta
Labadaba u kala miisayoon qolona moogeyne
Rabbi baa midiyahay sahdeen maaha saa yiriye
Nabigaa mutaabaca mutiyo maxabo dheeraada
Allaahu masali calaa Sayidinaa Muxamed
Mubtadica Salliga diidan baa mudan cadaabtiiye
Aadamiga manida laga khalqaye madaxa taagaaya
Oo maxalka hooyadi sagaal mowle ku ilaalshey
Mugdigaana lagu quudiyaan maaro loo heline
Isagoo mahiin eh mutuxan magacna aan haysan
Inuu marinka Eebbe u yasirey waaba moog yahaye
Nin mardaadiyoo shaarubada kor u maleegaaba
Inuu mowd dhadhamiyaahi waa lagama maarmaane
God madow inaanu uqodnoon maro ku duuduubno
Oon madaxa ciidda u dhignaa Mowlahay qoraye
Wax ismoode laakiinse waad mala habawdeene
Waa mowqifkii aakhirood muran saneydeene
Waa madashi laynoo qabtood marakan gaadheene
Waa mowcidkii lagu ballamay mowdka dabadiise
Waa magacya badan tuu ka digay Muxamedkeeniiye
Waa maalintey sheegayeen muqarabiintiiye
Waa muumin raaxadi kufrina murugadiisiiye
Waa madarki ceebeed ninkaan Mowlahay bixine
Maskaxda iyo ruuxdiyo qalbiga Mowle nagu beeray
Magefiyaha unugyada jirkoo mila xawaasteena
Inta aalad nagu maaxatoo maqadadow heegan
Mishiinada iswada dhaafayoon magacyo loo haynin
Mirtaan aasnay manidaan qubniyo madagti aan riiqney
Macnawiga qarsoon oo bedeli anigu ma'aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qiray kuman malaayiin ah
Mur iyo xulow makruuh iyo udgoon shayga kala miira
Muudsiga macaan iyo qaraar mid idareensiiya
Naftu waxay ka maagtiyo waxay muhato laabteydu
Magnadka dookha maamka u hayoo maxabadaw sayra
Mucjisada basiirada hagtiyo madowga heehaaba
Macnawiga qarsoon oo ku laran anigu ma'aqaano
Ilaaheyse mahad baan u celin kuman malaayiina
Midigiyo bidix mashiga lugaha iyo marinadii dhiigga
Mafsalada mergiyo jiidma iyo xidido meereysta
Maqaarkiyo jirkeeniyo xubnaha socodka miisaama
Muuqaalka iyo haybadiyo midab wanaageena
Afka hadalka soo marahayoo maqalka saameeya
Macnawiga qarsoon oo ku dhaga anigu ma'aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qirey kuman malaayiin ah
Dhul mugweyn leh buuraha ku mudan webiyo meegaaran
Dhirta munawacaahood indhaha kaga maqsuudaysid
Masraciyo dhulbeereedka iyo miraha soo yaaca
Mawaashida nimcooleyda oo Maaliggu nooleylyey
Biyahaan macaan iyo hawada lagama maarmeene
Siduu maamulkaani u hirgalay anigu ma'aqaano
Ilaaheyse mahad baan u celin kuman malaayiin ah;
Samaawaadku tiir muuqda iyo malaha awtaade
Muuqaalka iyo heybaddiyo midabka loo yeelay
Masaabiixda qamarkiyo shamsada falagga meereysta
Mugdigiyo iftiinka isbedela maalintiyo leylka
Hanqarkii masiibada ahaa mayayga hooraaya
Siduu maamulkaani u hirgalay anigu ma'aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qiri kuman malaayiin ah
Baddu waa masiiba iyo kheyr meel kuwada yaale
Hadba tii Alle umuujiyaa laga maleystaaye
Marjaankiyo mallaaygiyo nicmada moolka lagu aasay
Maraakiibta iyo doonyahaan kaga macaashnaaye
Imisuu miskiin iyo faqiir mowle ka arsaaqey
Meeqeyse mowjadi cuntoo lagu masiibeeyay
Imisaa malaayiinku maqan rag iyo maalkooda
Makhrib dumey habeen koo mugdiya mowjad kugu taagan
Oo aan birrigu muuqan karin murugo weeyaane
Nimaan marini waa moog yahoo malo ku suureeyey
Jundi malabsanaayoo naflaha lagu dulmeegaaray
Oo soo madow inay tahaan maanka ku hayaaye
Maruuse Eebbahay nagu masaxi anigu ma'aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qiri kuman malaayiina.

Musxafkaa Qur'aankaa

Gabaygaan waxaa uu abwaanka kaga hadlayaa fadliga uu leeyahay Qur'aanka kariimka.

Ardey macallinkiyo waalidkaba duco ka soo miistay
Oo maca akhlaaq iyo suluug sharafyo maamusle
Oo Qur'aanku maanka u dagaye maxabo loo saaray
Oo munazalkaa muqadaskaa lala mataaneeyey
Oo maalin iyo layl aqriya kuna madiixaaya
Oo maca tajwiid inuu xifdiyo Mowle ku arsaaqay
Muxdith iyo bidcana laga masaxoo laga madoobeeyey
Oo marinka Nabigiyo Sunnaha meel aan uga leexan
Masjidkiyo Salaadahan jecel madaxanaan dhuubin
Oo maalmaha qiyaamaha Rabbigey sharaf ku maamuusi
Oo taaj milgo leh waalidkii madaxa loo saari
Mubashiriinti iyo nabiyadiyo malaa'ik mooyaan e
Qof makhluuq ahoo igala mudan anigu ma aqaano
Maal iyo dad wixii Eebbahay midigta ii saarey
Martabada ardaygu gaaray baa igala muuqdheere
Maashaa Allaah baarakallaah waa majeersadaye
Musxafkaa Qur'aankaa haddaan meel yar ka iftiinsho
Malaayiinta xarafoo midkiba tobanka loo miisi
Oo Mowlahay bixinayoon lagu masuugaynin
Oo lagu abaal marinayaa maahir iyo taatic
Oo mu'miniinta u farxad waa majeersadaye
Min cashara malaayinta xaraf maliga dhiibaaya
Sabca miyiyo maashaa Allana laga maleynaayo
Oo Nabiga Muxamad ahi qiray waan majeersadaye
Mucjisada la yaabka lehe ay muhatay laabtaydu
Xaddiga iyo miisaanka xaraf Qur'aan ah loo miisi
Muggiisiyo culeyskiyo xajmiga anigu maaqaano
Ilaahayse mahad baan u qiray kuman malaayiina.

Macallinkiyo Waalidka

Gabaygaan wuxuu ka hadlayaa hab dhaqameedka macalimiinta dugsiyada Qur'aanka sida ay u badan yihiin wuxuuna u ekeesiiyey dardaaran macallin howl gab ah.

Muhimada waxbarashada haddaan meel yar ka iftiinsho
Jibriiloo malag ah nebi Muxamed waa macallinkiisiiye
Cilmigu waa musbaaxoo jahligu waa madowyahaye
Ilmaan macallin loo helini waa maqal ugaareede
Mooryaan waxbana kama duwana maata leysyaahe
Haddaan lagu mintidin waalidkood kama macaashaane
Minankiyo dugsigu waa inay madal wadaagaane
Oo macallinkiyo waalidku ay tala mideeyaane
Ismoogaanshahoodaa ardada maqana joogeeya
Iyo macallinkoo waxuu mudnaa aan waalid kuu muujin
Tixuu macallin hoolgabay marshaan maanka ku hayaaye
Hala iimasaabaxo wixii khaarijul mowduuca
Oo yaan laygu maadaysanine gabayga meeleeya
Waa munawac tobankii ardayoo midiba waa cayne
Mid waa faahim midi waa damiin midina waa noormal
Mid waa macangag midi waa ikhyaar midina waa mooge
Midi waa mariil soconayoo madaxya uus waynle
Mid baan minanka hooyadii ka helin muufo iyo rooti
Oo murugti gaajada qaboon mowralba kuu haynin
Mid baa shoog la maygagi haddii midigta loo tago
Qaarbaa iskuul maaganoon looxuba u muuqan
Qaar baa banooniga mar laad maanka kaga guuxi
Mid baan marada faraqeeda iyo qalinka mooyaane
Ebid kii mash lagu siinin caday maxabo awgeeda
Midi waa ilmirigleynayaa sida maxaabiista
Mid waa murabash haad haadayoo meelba mar u boodi
Midina waa mayeeraan cuqubo kugula meeraaya
Oon macallinka u sheegan karin waxa muraadkiisa
Mid baa mooge iyo waxa iska dhaley habar maseyreeya
Oo toban midirisiyo ka tagay macallimiin dhawra
Qaar baa manyicii laga badshiyo maxaba koolkoolis
Qaar baa madfacii iyo saskii meeli kala boodey
Oo wali mashquul ku ah maxaa nalaku maagaayey
Mid baa maqane jooga ah xaluu Meykal fiirsadaye
Markaasaa musbaaxdii qalbiga laga madoobeeyey
Qaar baa dugsigaba uga maqan macallinkay dhaarsan
Canaantay mudnaayeena aan waalidku u muujin
Qaar baa ilmaha maagayoo muran la soo taagan
Qaar baa maqsuud ku ah dugsigoo sharafyo maamuus leh
Mid waa nashiid midina waa kaslaan Mowle xugunkiisa
Mid waa fulay midina waa shujaac laba mataanaaye;

Midba malafyo diiwaan u yeel munawac weeyaane
Kabiir aan mas'uul qaadi karin maqada how dhiibin
Madaxiyo ilmaha lagama dilo meesha halistaaye
Waa mu'miniin owliyaa oo ilmiriglaaye
Mid yaroo jiroolaayood dhashaa laga mataalaaye
Tumiddii maslaxada loo arkoo lagama maarmaana
Miyir kaaga oo taam ah iyo gacanta oo miisaaman
Miskaha iyo dhabarkiyo majaha meel un ka xanuuji
Ha ku magaagin caraduu Ibliis muumin xuliyaaye
Ha moogaan xilmiyo saamaxaad hana majnuunoobin
Madaxa u salaax sida agoon waalidkood maqane

Midaan toban u miisnen da'dana midigta haw taagin
Indhaha uun ku meermeeri farax ha ugu muun soone
Muruu'adiyo guulguulku sharaf macallin weeyaane!

Muqdisho

Waa gabay aad iyo aad u gaaban oo dhowr tuduc ah ee uu abwaan Abshir kaga hadlayo muunada iyo quruxda ay leedahay magaalada Muqdisho gaar ahaan waayadii hore iyo meesha ay ku danbeysey markii ay burburtey.

Muqdisho iyo muuqaalki hore dahabki maaroobey
Ma mililicdeen waxaa ku xigey murugo tiiraanyo
Macaasidiyo kibirkiyo dulmigi wow abaal marine
Allaha naga masaabaxo waxaan mudaney weeyaane
Muxkamkiyo waxaana u dawo ah munasalki Eebbe.

Shirib

Muqdisho waa murgootayee munasalkey mudnaan lahayd.

Maxkamadaha Islaamiga (Gabayga Labaad)

Maansadaan gabayga ah waxaa uu Abshir mariyey bilowgii sagaashamaadkii markii ay ka bilaabmeen degaanada qaarkood oo ku yiiley magaalada Muqdisho maxkamado sheegtey iney Shareecada Islaamka fulinayaan, taa ay ka danbeeyeen beelo Soomaaliyeed, inkastoo ayna jirin waqtigaa dowlad dhexe ee gacanta ku haysa maamulka iyo ammaanka dalka haddana halakan waxaa muuqata in Abshir uu la dhacsnaa xaaladda maxkamadahaa ay riixayeen beelaha qaarkood ee Mudulood. Maansadu waxay leedahay:

Murti aan munaasabad lahayn mowsimiyo kaalin
Muwaafaqana aan sababi karin waa macno la'aane
Manhajka iyo maydaanka aan maanta ka hadlaayo
Waxaan maxalu shaahid uga dhigo marag halloo yeelo
Oo yaan laygu maadaysanine gabayga meeleeya
Cilmigu waa misbaaxoo jahligu waa madow yahaye
Maxkamadaha Islaamiguna waa lagama maarmaane
Mufti doqona kuma ciiltiriyo magan Allays toowe
Idinkoo murrugay Shiikh Calaa maam idiin furaye
Waatay mulquhu idin dhibeen marinka siisiiye
Hadday murugtay waatow la baxay boqol mahiigaane
Mooryaanta waatow edbiyo madaxyo dhuubtiiye
Cagtow mariyay Shiikh Cali Maxamuud maata laysyadiye
Masiibadii Bakaaray dhextaal waana maqasheene
Masruufkaa irdaha loo fadhaa maalin iyo layle
Matalka Shiikha Madarkicis mahelin haba masayraane
Waase laysu maqan yahay haddii maydku naga yaalo
Mutafaqun calayhaan ku nahay munasalkii Eebbe
Waase haddii malee shoodhinkiyo muunka laga reebo
Maxkamadaha Islaamiga ah iyo muqadamiintooda
Qofka maagan waxaa lagu yaqaan hadal mataaneyska
Ma diidani mayee saas ma'aha waa munaafaqade
Murug maarug inuu idin la rabo meesha ka ogaada
Maxkamadeeya kiiskuu mutana haw masaamixina
Miftaax jabana haw dhiibanina maamul kale daaye
Haddaan Xaaji Muuse u kiciyo Makiyo Madiina
Alleylahe waxay muujiyeen sharafya maamuuse
Waa mahadsan yihiin maamulkiyo muqadamiintoodu
Miisaana lama saari karo waxay mutaysteene
Musmaarkii dabcaa xaajiyow meesha ku adkeeya!

Shirib

Maxkamadday maqsuudisee shimaan ka maagey Mudulood.

Laakiin markii maxkamadda la baabi'iyey oo ay ku ciyaareen beelihii sameestay, Abshir wuxuu tiriyey shiribkaan:

Masaladaydi maan dhahay kuguma soo macaaninoo.

Taley Mudan Tahay

Gabaygaan abwaan Abshir Nuur Faarax waxaa uu curiyey horraantii 2009kii isagoo markaa ka dhiidhinaya xaaladda aad iyo aad u liidata ee murugsan uu dalku ku sugnaa. Gabayga wuxuu ku aaddan yahay sidii daawo loogu heli lahaa talada ka gurracantay dadwaynaha Soomaaliyeed, taana waa mid lagu yiqiin Bacadle suugaantiisa iyo aftahannimadiisa inuu u adeegsado sidii dalkeena loogu soo dabaali lahaa nabad waarta, sidaas darteed ayuu Bacadle gabaygiisaan dhextaal uga dhigayaa tuducda ah “Allowya taley mudan tahaye meesha ku ekeeya.”

Meyd iyo dhaawac duulkii sidaan maaro loo heline
Allow ya taley mudan tahaye meesha ku ekeeya!
Murti waaya arag waa in wax un laga macaashaaye.
Midiyo isku sahad iyo dagaal la isku mari waayay.
Haddii Nabadda maro loo luloo gogol la meegaaro.
Oo Culimo muhimiyo duqoow madaxa loo dhiibto,
Oo ay go'aan muujiyaan lagu midoobaayo.
Meyd iyo dhaawac duulkii sidaan maaro loo heline.
Maslaxa diidku madar inuu ku jebi waa mah-maah culuse.
Markuu quuso madiyaal dhintaa laga macaashaaye.
Aakhirana mool Jahanamaa lagu maquurtaaye;
Allow yaa taley mudan tahaye meesha ku ekeeya
Midigtu Bidixda kama maarantoo waa u muhataaye
Hadba tii murduxan bey tan kale meeday leedahaye
Maxalu shaahidkiyo taargedkiyo meeshaan hibaneynay
Mutafaqun Caleyhi baan rabniyo inaan midownaaye
Waa Cadaw macaashkii inaad kala maqnaatiine
Muslimku cabara taariikh midnimuu magac ku yeeshaaye
Markey kala tagaan cadawgu waw malabsanaayaane.
Muran iyo tashwiish lama rabiyo maliyo huu haaye
Ismaqiiqa iyo laab lakucu malahan miisaane;
Muxadiskiyo usuuligu halkuu maray ku daawooba;
Maraajiicda aasaasigaa Mowle ku addeeca.
Isma saabax iyo wadajir guul kalama maarmaane.
Mugdigu qeybsan weeyee ifka how muhato laabtiinu
Oo miisaanki salafka u celiya muhima Diineedka.
Muslimku cabra taariikh midnimuu magac ku yeeshaaye
Markey kala tagaan cadawgu wow malabsanaayaane.
Mabaadida Aasaasigiyo maxalu towxiidka.
Ku muujiya Shicaarkiina oo galiya Maankiina.

Caashaqu Muxuu Yahay?

Waa jiifto uu abwaanku ku lafa gurayo waxa uu yahay caashaqa, sida uu u arko Abshir oo doonaya inuu tusaaleeyo caashaqa iyo maxabada runta ah waa midka uu ruuxu Rabbigiisa ka raalli yahay, waxaana uu murtidiisa u soo bandhigayaa hab cajiib ah oo uu u soo gudbinayo si isweydiin iyo wax isweydaarsi oo kale.

Caashaqu muxuu yahay?
Mingis iyo ayaamaa
Mayd iyo mariil baa!
Maya maya sidaa maaha
Marna miyuu ku soo marey?
Wax i mude manaan garan
Sidee baa laguu mudey?
Ma mas baa ma qodax baa?
Ma miisaan culeys baa?
Ma dabeyl maldahan baa?
Ma wax lagu marqaamaa?
Ma sun maanka damaqdaa?
Ma mariid ku saaqaa?
Maya maya sidaa maaha
Waa muraayado Ibliis iyo
Maqal iyo samaacado
Midiba ay mid aragtoo
Jasiirado madow iyo
Bad mugdiya ku yaaloo!
Indhuhu kugu maqiiqmaan
Miyifkuna ku laran yahay
Maya maya sidaa maaha;
Macnihiyo ujeedadu
Waa muusig iyo filin
Madadaalo iyo farax
Naftu hayska mirato ah
Maya maya sidaa maaha
Waa muusanow iyo
Naftu waxay u muhatoo!
Murugo iyo ciilba leh
Mukushuna qarsoon tahay
Qalbiguna ka maarmayn
Rabboo kaa masaxa iyo
Adoo mooda mooyee
Kugu mudan dawana male!
Maya maya sidaa maaha;
Waa makhaalin iyo dabin
Ibliis midigta ku hayoo
Macaasida u sahan shoo
Labo aan isku muhateen
Midba meel ka kenoo
Madaxa isku galiyoo
Muraadkiisu ku hirgalo
Maya maya sidaa maaha;
Labo wuxuu mideeyaa
Mowle isku qorayoo
Is moogaa markii hore
Waxaan muuqaneyn iyo
Rooxaan maldahan iyo
Muhasho iyo udug iyo
Falaaruu isugu mudi
Maya maya sidaa maahee;
Malo iyo hummaag weeye
Miliilic iyo dhagar weeye
Mugdi iyo iftiin weeye
Xayaato iyo mowd weeye
Macaan iyo qaraar weeye
Madow iyo cadaan weeye
Madal aan hirgalin weeye
Muusanow habeen weeye
Kaligaa marqaan weeye
Ismoodsii ku joog weeye
Muhasho iyo hamuun weeye
Maya maya sidaa maaha;
Haddii uu ku soo maray
Midba meesha uu dego
Iyo magacyadiis sheeg
Mayeeraan ku waa madiga
Ma eeguhuna waa nacaska
Ma seexduhuuna waa cudurka
Ma quustuhuna waa yoolka
Ma sheexana yabaal weeye
Shantaan magacoo aan mariyey
Maqaalin iyo dabin weeye
Moorada Ibliis weeye
Taba macaasiyeed weeye
Ilaahay ka magan weeye
Murug iyo halaag weeye
Maya maya sidaa maaha;
Midka caashaqa u mudan
Oo ugu macquulsanoo
Muslimku uuyan diideyn
Mudda dheerna soo jirey
Muraadkiis nikaax yahay
Macsi aan looga yaabeen
Masaafo aan la galineyn
Midigtaan la saareyn
Macna aan la siineyn
Qalbiguna u muhaneyn
Meher dabadi mooyee
Caashaqa macquulkaa
Miisaana lagu saxay
Miro iyo udgoonna le'
Miliilic iyo sharafna le'
Mansil iyo makaana le'
Aan idiin macneeyee
Maqalka i amaahiya
Waa muhiimo guur doon!
Oo aan macsi ahayn
Markii horana Mowlow
Muraadkeyga ii sahal
Oo aan macsi ahayn
Masaladaba lagu galey
Markaad minanka keentoo
Maxabada waraabtoo
Maqsuud aad ka noqotoo
Matalkii janada iyo
Meelaha uddgoonka le
Maashaa Allaahuye
Goortaad mulkido oo
Mayracato beeraha
Meesha hays ka aaline
Mayroo qubeesoo
Mowle u sujuudoo
Mahad iyo shukri u celi!

Hawiyow Waa Taa!

Geeraarkaan waxaa laga soo jeediyey furitaankii Maxkamad Islaami ah oo laga furayey goobta warshaddii Ifka Xalan ee ku tiil Muqdisho, sannadkii 1998kii, waxaana maxkamaddaas qaban qaabadeeda iska lahaa beesha Cayr ee Habar Gidir.

Ayaantii Ina Siyaad
Arlada ow ka talaayey
Isbaaradii Qoralooboo
Askarta Gaalgale joogtey
Hawiyow waa taa ka ooyi jirteenoo
Ka soo araara jirteenoo
Ina Salaad Booy u takteene
Afartankiina isbaaroo
Cadow Uul Aadan yabaal
Ekis Cakaara Afgooye
Ilaa albaabka Baraawe
Sida aleesha u daadsan
Ummadda maa laga qaadoo
Ilaahey maad ka baqdiin
Ma waxaan Islaam la eheen
Awood haddeydnan u heenin
Itaal kaleeto la waayey
Maxkamadaan maa ayidiin
Iyadaa ka adkaatee
Waa in kaarantihiin.

Shirib

Isbaaro eedhiisey aheed waxaa uruurshey ahlu khayr
Amniya doola ogolaaw ama isbaara joog ahaaw
Odaan islaaxa oggoleen isbaaradaa ilmuu jiraan.

Nasabka Reer Bani Haashim

Gabaygaan wuxaa uu ka hadlayaa asal wanaagga Asharaafta, waxa uuna gabyaagu ku amaanayaa reerkaa isagoo ka xanuunsaday sida dadka qaarkiis ay u arkeen inay yihiin laangaab iyo iyagoo aan la marsiineynin sharafkii ay lahaayeen.

Nasab loo nisba sheegto
Iyo nikaax lagu faano
Naftuna ay ku nagaato
Waxaa iila nadiifsanoo
Iila naala wanaagsan
Nasabki reer Bani Haashimoo
Cali loo nisba sheegtoo
Nabigeenu jeclaa
Waa nuureynkii yar yaraayoo
Nabigeenu xabaarayoo
Niyaddiisu jecleydoo
Naftiisu ay ku arwaaxdayoo
Allanoow naxariistay oo
Nasiib kooda ka yeelay!
Guri nuur ka baxaayoo
Nabigii u duceeyoo
Nal towxiid ka ifaayoo
Nashaadkiisu baxaayoo
Ilaahay wax nusqaana
Iyo naarta ka dhowrey
Nuxurka diinta la siiyoo
Naseexadii Nabigeeniyo
Nugaylkii Muslimiintiyo
Gaaladoo la nebcaadiyo
Tawxiidkoon la nusqaamin
Iyo Nabigoo la jeclaado
Waa nactigii Asharaaftiyo
Nuurki reer Banu Haashim
Oo nasiibka badnaaye
Tixdan sidaan u nidaamshiyo
Nusradaa Ahlu Baydka
Niyad wanaagsan ku qaatoo
Nabdigiina ka buuxshoo
Nacaybkii Asharaafta
Iyo nuqsaan lagu sheego
Niyadiina ka dhowroo
Nasabkooda ilaalshoo
Nabigii ku xurmeeya!

Yaad Nagu Halleyn

Gabyaagu wuxuu tiriyey gabaygaan xajkiisii labaad 1982kii, markii uu la cajabay hawlaha xajka iyo acmaashiisa wuxuuna yiri sidatan:

Ilaahow adaa haybadloo hodan ahoo weyne
Wax addoon ku haybsaday adaan hawl umaraheyne
Irbad hirarka maanyada la daray oo haf laga siiyay
Hibitiqa yarey qaadatoo haysta madaxeeda
Baddu uma haraadoo ma oga iney ka haysaaye
Adiguna habkaas baad weliba heer ka sidataaye
Inta kuu hareysaa ka badan waxaad hibaysaaye
Ismaaciilya hooyadii markii baydka la horkeenay
Ibraahimna uu ka hinqadoo socodka haab haabtey
Waxey tiri waryaad nagu haleyn meeshu waa halise
Ma Ilaahey baa kula hadloo halkan noo dooray
Haah buu ku yiri waa sidee boqorka hoos jooga
Sida habarquraafiya ma oran hoogayoo ba'aye
Hadal waxey ka tiri idan markaa ina halleyn maayo
Isaguna baryuu si habsamiya haybad ugu taahay
Habka boqor wax loo weydiiyuu diinta ku hayaaye
Habaar-qabe quraafiya sidii muu hantaaticine
Nimaan tiisa wax u heynin bey u hanqal taagaane
Waxba yaanan haab-haabanine aan kasoo haro'e
Iyagana Allow soo hadee naari waa halise
Wuxuu yiri halkaasaan dejiyey waana ka hijroodey
Baydkaagi baan soo hordhigay haybada lahaaye
Hab saraaco malahoo Rabbiyow waa gabaahirige
Adaan kugu halleeyee arsaaq yaaney heli waayin
Markey gabanka haaneedisoo haysan kari weyday
Waa tey halkiisii dhigtoo buurta ku haliishey
Saffey ugu horreysaye waxay ka hanqal taag-taaba
Waatay ka soo hoobataye ay Marwa u haaday
Hareeraha markey dhugatayoo ruuxna heli weydey
Hublaha iyo orodkiyo waxay socodka haysaaba
Iyadoo dhib iyo howkar iyo gaajo hadal deysay
Waa tay ka soo hoobataye hoos usoo degatay
Hammigeedu ma aheyn biyaad ka harqaneysaaye
Boqor gaajo lala hoos galoo gacanta loo haadshey
Oo hoorso yiri baad ahayd waana la hubaaye
Waa taad biyaha ka harqisoo lagu haraad beelay
Oo waatay gacmaha ku habbisoo hawda kaga saadhay
Anaguna halkiiyoo kalaan ku hamineynaaye
Mar haddaan Shirkiga kaa hufnaye hebeladii tuurney
Oo aanan hayb kala laheyn heerna kala joogin
Inaad hoorsadaay leedahaan laabta ku hayaaye
Inteena meesha soo horan Rabbiyow hayna kala reebin
Waxaan ku heybsaneynaa janaan naari ka horreyne
Yaad nagu hallayn waxaanu nahay hoomadaa tubane
Ibraahiim Rabbigey kuma hungeyn hadaladiisiiye
Ducadii hufneyd buu ku helay hibiyo dheeraade
Adduunyada intuu haybsadaan harac ku joognaaye.
Aakhirana hoygiisa waa loo han weyn yahaye
Ismaaciilya Haajarana waa la hal wadaageene
Habarya odaya wiil qoosku waa hanuunsanaayeene
Hayeesheese aadmiga uunbey la hal wadaageene
Rabbigii hiddaayada baxshaan mahad u heynaaye
Halkii nabi Ismaaciil cirbaha ku hanhanteelaayey
Haajara isma laheyn biyaa laga helaayaaye
Mana haysan Riig iyo Mishiin loogu howlgalo e
Rabbi bow hibeeyaye cidina hoos umey qodine
Samsamkii ishiisii hardiday dhagax ii haar weyne
Oo soo halciyey biyaha waa loo haraad qabaye
Waa haanti ugu khayr badneyd hilo biyoodkeena
Oo aan dhul kale laga helen halakan mooyaane
Oo loo hamuun qabo dunida hareere heedoo dhan
Oo Xaramka lagu haqab tiraye hibada loo siiyey
Tixdan hooriskaan reer Xijaaz kula hadlaayaaye
Ma habaarayee gabayga waa ku haddadaayaaye
Waa hoga tusaaleynayaa haba nebcaysteene
Muslimka idin haaraamayaa waa idiin halise
Ibraahiim hortii maydan hayn hibiyo liibaane
Hanfigiyo Jasiiradda Carbeed holanki qiiqaayey
Harraadka iyo gaajadii badiil waabad u hesheene
Cagsigoodi baad haysatiin waana la hubaaye
Barwaaqadaan ducaa lagu heliyo hanasho towxiide
Duul kaan xamdi u helinna waa laga haleeyaaye
Haamaha nimcada yaan la qubin talo ma haysiine
Ooy aan hoogii reer Saba qabsadey helin dagaankiina.

Hiraaboo Isku Hiloobey

Guurowgan waxaa uu Abshir Bacadle ka soo jeediyey Hoteel Kaah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, mar ay ku wada kulmeen beelaha Hiraab ayagoo lagu wada heshiisiinayo halkaa, tixdaanna waxay ahayd furitaankii kulankaa nabadaynta, maalin khamiis ah 13kii bishi 1aad sannadkii 1994kii. Si wayn ayaana loogu riyaaqey, waxaana la oron karaa dowr wayn ayuu ka qaatey nabadeynta beelaha Hiraab ee ay colaadda ba'an dhex mertay. Waana sidatan.

Hiraaboo heshiiyoo aqbala hadalka iimaanka
Dhaaxaan Rabbigey haybsadaye maanta waan helaye
Kuwii hiilka ii gali lahaa waa isku hubaayee
Inaan hallayney waan wada hubnaa hilib walaalkeena
Masa haroo haf lama siin karoo haatanba ogaanay
Nimankii halkaagaan ogaa hoos isugu jeedshay
Hiraaboo isku hiloobey waa kan isku haanyoodey
Hanbalyaan anna usoo gudbiyey hagar la'aaneede
Insha Allaah heshiiskii imaam waa hirgalayaaye
Hoggaankeedu Soomaali waa hibada noo taale
Waxayse hoogtey waa maalintaad naga haleysiine
Yaan lagu halaagsamin tolow hadalka iimaamka!

Hubka Innaga Dhiga

Waxaa uu tiriyey Abshir gabaygaan iyo kuwo kaleba markii qarankii Soomaaliyeed uu dumay, dawladdii jirteyna la riday sanadkii 1991dii, ka dib dadkii soo harey ay dil iyo dhac isula dhaqaaqeen, gabyaaga oo muujinaya nabadda iyo dib u heshiisiinta ummadda ayuu gabaygaan noocan ah tiriyey:

Soomaaliyey hadal yaroo huriyey laabteyda
Oon haysan kari waayey baan soo hinganayaaye
Hawadaanan soo marinayaa hiidha waaberiye
Hoggaamadiyo shacabkaba talaan soo hordhigayaaye
Iga hooya caawey murtidu haybad leedahaye
Jabhadaha hubeysani beley naga hor qaadeene
Anoon qolo hormarineyn qolana hoos u dhigahaynin
Hanbalyiyo ducey naga muteen hagar la'aaneede
Heshiis waara howl mira dhashaa heegan loo yahaye
Ilaahey inaan heybsanana way habboon tahaye
Hadyiga Nabiga oo lagu dhaqmiyo haybta laga faano
Labadaa heshiis iyo midnimo kama horreeyaane
Rabbi baa hidaayada watee hayna garansiiyo
Hubkana inaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina
Mooryaan hubeysani beley noo horkacayaane
Hanti iyo dad hoygey galaan hal uma reebaane
Hambana kama tagaan hadafna ma leh horarka mooyaane
Haddaan laga hortegin wacad Allaad marin habawdeene
Hubka innaga dhiga waxeynu nahey hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina;
Har qabow hurdiyo caafimaad haybadiyo raaxo
Haruub buuxa hogol rooba iyo wiilal hana qaada
Hooyiyo carruurteed bed qaba odayo haasaawa
Hantidiyo naftoon loo baqeyn hadada mooyaane
Iyo hodantinnimo waa markii nabad la haystaaye
Hubka innaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeede
Kii horaa hamuun baas u qabey hooto dhiig surane
Oo tobanka haybood ka dhigay holacyo baasiine
Ninna horumar kuma gaari karo hilib walaalkiise
Waxaadse haybad leedahay intaad garabka haysaaye
Waa hibo Ilaahey midnimo lagu heshiiyaaye
Hubka innaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeeda
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina
Hiddaha iyo dhaqankii intaan hadurku aafeynin
Waa laga heshiin jirey dagaal tan iyo Haabiile
Habka nabadda odayaashu waa heli ogaayeene
Cid waliba wixii laga hayaa loo hibeyn jiraye
Markeynu hadallo hor Ilaahey baa loo heshiin jiraye
War maxeydin helay meel un baad ka hifaneysiine
Hubka innaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina
Heeraar gobeedoon ergada haybna laga waayin
Oo horey usoo dhaafa iyo hab iyo maamuusle
Oon haba yaraatee dakano la isku hiifeynin
Oon huq iyo cudur nooga jirin hoos isaga tuurka
Hayeesheese haasaawahaan lagu hambeyneynin
Hurgumadiyo hagardaamadana hubanti loo baaro
Oo daacad loo wada hadlaa lagu heshiiyaaye
Hubka innaga dhiga wexeynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina
Ama igu handada waa waxaad hor utaqaaneene
Hakad geli wax baa ii hariyo hadallo waaweyne
Siduu hadurku noo galey haddaan how mar kaga siiyo
Hangash iyo Maxkamado u hayina hadalka Daaquudka
Ilaalladii hameen mirashadiyo hadalka loo qeybshey
Hooyooyin iyo Guulwadiyo habaqle dheeraada
Higlay buuro Haayaajirow habarta bowdkeeda
Hogii Foorta shiikhoo Xisbiga haybta lagu miiray
Godkii ii haydiyo baaristoo labada hiiroole
Hangar hoosti haadaan ka qodan birana loo heegay
Huf inuu akhyaarta uga dhigay war uma haysiine
Harcad inuu wadaaddadi rasaas hawda kaga saarey
Haweenkiyo carruurtiina uu Bii.Em ku hoggaanshey
Aqoonyahanna kala haajiroo dunida heehaabay
Wixii harayna ii heesa yiri war uma haysiine
Ku heshiiya calankaa intan hadurki soo laaban
Hubkana innaga dhiga wexeynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee bororka aashiina!

Anigaa Hawiye Kaa Aqaan

Gabeygaan waxaa uu Abshir ka mariyey warshaddii Ifka Xalan oo ku tiil Muqdisho oo ayna ku shirsanaayeen beelaha Habargidir iyagoo ka doodayey sida ay u taageeri lahaayeen dowladda lagu soo unkay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, iyo si loo heshiisiiyo beelaha Sacad iyo Cayr oo isku dhacay waayahaa. Wuxuuna Abwaanku yiri:

Anigaa Hawiye kaa aqaan heybna kaa xiga e'
Hiddiyo dhaqan waxay u leeyihiin hagar walaalkoode
Hadmiga iyo dumintey si ba'an ugu horreeyaane
Habaar bowga dhacay dowladnimo waana la hubaaye
Waxay dad u halaageen la sii hananna waayeene
Guushii walaalkood helaa ma hambalyeeyaane
Is hortaaggu waw dhaqan asal hibana loo siiyey
Garta kuma hishiiyaan haddaan dowlad loo heline
Waatay Cali Mahdi u hagarbexeen hoobiyiyo caaye
Ha loo daayo labadaa saney igu haruufeene
Waxba lagama helin aan ahayn dhibyo hiintaayo
Tacsi ka hakratkiibaa ahaa jac iyo yaahuu'e
Cabdi Qaasimoo habar wacdoo hiil ka filanaayey
Hamiguu u qabay iyo bal daa hilib dhaqaaqeeye
Hunduus kaga fog nimankuu islahaa ku hagranmaayaane
Cad Soomaali laga soo heloo hibo naloo siiyey
Oo laba ninoo Habargidira haad ku kala qaaday
Nin hungiri ka galay nagama dhalan helina uumaayo
Haadaantu waxay idin la tahay hilinki toosnaaye
Is hamba qabta taariikhdu wey hari insha Allaahu!

Shirib

Haddaa hashiis maqnayd hesheen, mawaydnan isku hayb ahayn
Isma hurteysku hiilisee, ninka hayaa hunduus miyaa!
Hadal nin weyni waa heraa, heshiis la diido waa halaag
Wexeysan hadda kaa heleen, amaa hadhowdi heybsataa!

Geedkaa Humbulan

Waxaa gabeygan uu Abshir Bacadle tiriyey isaga oo jooga magaalada Jedda ee dalka Sacuudi Carabiya taariikhdu markey aheyd 1985kii, kaddib markii loo soo sheegay qiso ka dhacdey magaalada Muqdisho oo aheyd in wiil ay ilma adeer yihiin oo la yiraahdo Cabdi Cusmaan Faarax oo ka tirsanaa xerta sheekh Cali Cilmi Yare markaasna ka yimid siyaaradii sheekh Aweys ee Biyooley isaga oo aad u jirran. Markaas ayaa nin ay qaraabo yihiin oo la yiraahdo Axmed Xuseen Mahdi oo ku magac dheer Nin Gubtey oo ugu tagey booqasho xaruntii xirta ay degganeyd kadib xirtii iyo shiikhoodii ay kala hor yimaadeen dagaal meeshiina dhaawac loogu geystey iyagoo u arkayey inuu yahey bidci ka soo horjeeda Dariiqadooda, Abshir isagoo arrintaas ka carreysan ayaa waxaa uu yiri:

Markaan gabayga heen seynayoon kala habeynaayo
Waxaa looga haqab beelayaa hibiyo liishaane
Hordhacayga ruuxii gartaa miidda wuu heliye
Hambashada salool qaraxa waa lagu haraadaaye
Haamaha aglooshaa u dhiga sidigta haaneedan
Ku helliya markey godol heshaad ka hirqaneysiine
Iga hooya caawey murtidu haybad leedahaye!
Nimanyahow hawada beena waa lagu hungoobaaye
Waataan hayaan dheer ku imid hawlna soo maray e
Hagoogtiyo hubkii culimadaa la igu haystaaye
Hordaybaa la yiri laaxinkaan hoobiyeyn jiraye
Uma haysan Faataxada waad ku hakanaysaaye
Raggii noo hormaray qirada waa naga halleeyeene
Na habowshe nimankii xadrada haadiglayn jiraye
Iyagoon halla aqoonin bey magacyo heysteene
Higlayga iyo garaskiyo raggii quraca hoos joogay
Waxaan horumar moodeyney bay nagu habsaansheene
Raggase weli ku haray baan farriin hooya leeyahay e
Idinkaa hameen iga xigee hadalkan gaarsiiya
Harag weyn u sheeg laaxin baa lagu hoggaanshaaye
Haab-haabashadu wey eg tahay haatan dabadeede
Heli waayey malag haadayoo hab igu siiyaaye
Hamuunta iyo oonkaan u qabo shiikha hadalkiisa
Isagoo qof kale la hadlayaan hawku leeyahay e
Hamiin qura tajwiid inaan bartaan ku hindisoodaaye
Sidii horana maahiye beryahan waa holinayaaye
Afartaa habeeyaye waxaa huriyay laabtayda
Nimankii hagoogaha watoo hoos u wada jeeday
Huuraalayaalkii Shirkiga lagu horeynaayey
Nin Gubtey heleen baa la yiri haramcasyaalkiiye
Haaweyda qurunka le' dagaal ku habin weydeene
Iney libin heleen bey la tahay lana hoyaadeene
Geedkaa humbulanoo naflaha lagu horeynaayo
Dhaaxaan hubsada idin lahaa oo ka soo hara'e
Wax dhanbaan huruufaye warkaan hoos idiin geline
Markaan hiifo hadalkeyga waad hororsanayseene
Haddaa la arkay waxey hurinayeen haramcasyaalkiiye
Cabdi haara weyniyo midkey habar wadaagaanba
Hambadaan adeer uga tagnoon ka harney weeyaane
Towxiidka waa laga harqiyay hanadadiisiiye
Maraanse helaba towxiidka waan ka harqin doonaaye
Oo haykalkiyo sixirka waan ka hufi doonaaye
Markaasey tixaan hooriyaa ii habboon tahaye
Iska heysta wiil habaar qabow uma horreyaane!

Roob Doon (Gabayga Saddexaad)

Waa maansadii saddexaad ee ku soo aroorta diiwaankan ee uu abwaan Abshir Bacadle kaga hadley ama ku soo qaatay maanso uu ku roob doonayo, Ilaahayna kaga baryayo roob iyo raxmad inuu siiyo dhammaan geyiga Soomaaliyeed iyo meel ay Soomaali degtaba.

Ilaahow adigaa hodan ahoon kuu han weynahaye
Wax addoon ku haybsadana waa heli kareysaaye
Adoon howl u marin baad si fudud ugu hibeysaaye
Annaguna cirkoo haar cad baan hogol ka dhowrnaaye
Allow hooriyoo noo hibbee Haariyaa timide
Jubbada hoose Hiiraanya Gedo halkan aan joogno
Hobyo Godan hadaaltimiyo Meydh helinki Boosaaso
Ilaahow Hargeysiyo Burciyo hilinki Laascaano
Howd iyo Doollo kuma heyno roob tan iyo Haadaamo
Shabeelaha kan Hoosiyo kan Dhexe holanki soo gaarye
Dalkii cadowgu naga heystay waa la hal wadaagaaye
Allow roobka naga haqabtiroo dhibicda noo hoori
Allow beertu hilantoo miraha hoosta laga tuunsho
Ilaahow abaaraha na helay roobaan ku hilmaanno
Hana u yeelin hiirtaanyo iyo aafo na haleesha.
Ilaahow waxaan ku haminnoo hoosta uga guuxno
Adduunbaa lagaa heli karaa oon ku heybsadaye
Galhareeri iyo Habaritiil hoygii Xarardheere
Halabooqad iyo Gaalkacyiyo Karin Allow hoori
Hilmo iyo Colguuliyo Dhanbeyl Eebboow ku hagaaji
Hooygii Baxdiyo Qaydariyo heeladka Cadaado
Halkii digirta laga heli jiriyo dabagaluu hoori
Ilaahow hillaac biya sidoo hooriyoo dhaliya
Oon qolana ku hungoobinoo lagu harraad beelo
Oon loo hayaaminoo ratiga hilayga loo saarin!

Shirib

Afar walxaatoo a ku taal Ilaahay kaaga aallimaa
Xaq aasoo eex qabiil u yeel Ilaahey kaaga aalimaa
Amxaar raac itixaad necbaaw Ilaahay kaaga aallimaa
Anfac ku doon qof soo afduub Ilaahay kaaga aallimaa
Laguma arkee iska yeel Ilaahey kaaga aalimaa!

Warba Uma Hayaan Shiikhu

Tixdaan gabayga ah waxaa uu Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle kaga hadlayaa xadhiga loo geystey wadaadka lagu magacaabo Shiikh Maxamed Ismaaciil oo ku xidhan Hargaysa una xiran maamulka Soomaalilaan.

Haddeey aqoonsi helayaan kufriga ka hakan maayaane
Waxeyna ku hadlayaan been cad oon harag la saareyne
Harka meera in ay dunidu tahay hoos umey dhugane
Warba uma hayaan Sheekhu in uu boqorka hoos joogo
Iyagoo hurdahayuu Rabbi u hoorsanahayaaye
Oo magacyadiisii hufnaa la hal-haleelaaye
Oo ay ilmadu hibitiqdaa oo uu laabta ka hingoone
Oo Aydhis ku habaarayaa wuu la helayaaye
Rabbigiisa wuxuu heybsadaa hubanti weeyaane
Kuwa meesha ku hayaana waa ka hor marayaane
CabdiMajiid halkii uu mareey ku hafanaayaane
Hangashti iyo sahankii horeey haabanahayaane
Hogga madow haddii lagu rideey qabar helayaane
Adduunyadana meel hoogtay bey ku hambasaayaane
Saddexdii Ha gaabtaan tirshoo dhaari may harine
Innaba diinta sharaf uma hayaan howl-wadeennaduye
Waxaa kala haboon caalamkooy horay u raacaane
Haddeey aqoonsi helayaan kufriga ka hakan maayaane;
Waa hoos ka gaal nimeey Tikruhu u hambalyeeyeene
Hubal iyi Cusana madaxa wow hoorinahayaane
Hadyigiyo waxyigii Nebiga magac un bowga soo haraye
Mar Soomaaliweyn ka hoos baxdeey sharaf u haystaane
Nebiga Muxamad kuwii ka horyimide diiday hadalkiisa
Dhibuu nagu hayaaa bey dhaheen kii hanuunsaniye
Hawaayadeenu waa inay xornimo haysataa abide
Hidda-raaca odayadaa sharciga kala haboonaaday
Fircoon Muuse wuxuu uga horyimid una hujuumaayey
Nabadiyo habkaa dowladnimo hayga kala tuurin
Bad baa lagu harqiyey dhaxalkina Muuse woow haraye
Hargeysana inta hanuunsan bey ka hortegaayaane
Hadyigiyo waxyiga kuwa rabeey cadow u haystaane
Hawaayadleyda iyo muusigeey u hambalyeeyaane
Heesaha Nebiga loo tumiyo hiiha ma oyaane
Inay diintu na hoggaamiseey qadaf u haystaane
Hanka Qaranimiyo taariikhda hari ku hamin maayaan
Saqrada iyo hididiilka iyo hoobaalkow taliya
Markeey laanta Hereriga hayaan heestuneey yabaqdo
Haadaan madow bey yabaal ku hirgisaayaane
Halaasigu wuxuu kicinayaa hiira hiiraha'e
Waxey ka halgameen waxey heleen, haatan waxa jooga
Halkii ugu xumeyd waa markeey Diinta hororeene
Habkeey ula dhaqmeen Sheekhii baan marag u haynaaye
Jirdilkaan shaashadii ka hubsanaad maya-da haysiine
Intaad hoos u leyseen miyaan kun iyo hee gaarin
Hilibka Sheekha waad iibiseen waana la hubaaye
Halkaa ruuxu yuu kaga bixine horay u soo daaya
Hadalku isma saarnee dagaal waa lama huraane
Awliyada la hubeey dilaan ama hujuumaane
Oo dhiiggoodii bey heemiyeen howlwadeennaduye
Qabuurana gacmeey u hoorsadaan aan waxba u hayne
Oo Suufi hebel bey muraad u hor fadhiistaane
Waxbana kama helaan, tii Alleey kan u hibeeyaane
Kuwa naartii ku hafteey Jannadii heybsanahayaane
Hadyigiyo waxyiga Foojerigeey kaga horreeyaane
In Buush loo hibeeyey dunida haanka geliyeene
Haddaan gabayga nuxurkiisa iyo hadalkii soo koobo
Insha Allaahu idinkaa hormari Sheekhu wuu hariye
Xabashidu dadkeey naga hayaan waa halgamayaane
Hargeysaa Tigriihii caashaqdoo u hanqaltaageysa
Oo kilil lixaad seey u helaan u hanbabaaseysa.

Hormuudkoodii Guurtigaa Aqbalay

Gabay uu uga jawaabayo hadallo ay warbaahinta qaarkood siiyeen qaar ka tirsan mas'uuliyiinta Jamhuuriyadda la baxday Soomaalilaan, sida wasiirka arrimaha dibadda Cabdullaahi Maxamed Ducaale oo wareysi uu siiyey Idaacadda Bii.Bii.Sii-da toddobaad ka hor ku sheegay in maxkamadaha Islaamiga ah ay wadaan qorshe qatar ku ah Soomaalida oo ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka, sida uu hadalka u dhigay wasiirka taasoo Abwaan Bacadle ka careysiisay, oo ay ka muuqato maansadiisa caradaa ayaa gabaygiisa wuxuu ku sheegay arrimo ay ad-adeeg ka muuqato iyo xadgudub, gabaygiina waxaa uu u dhacay sidatan:

Hargeysa nimanka heystoo Tigruhu diintii ka habowshay
Hormuudkoodii guurtigaa aqbalay gaal haley dhoho'e
Kalkiiyoo kaluu maray haddana howlo dibadeedki
Hadyigiyo waxyiga Foojarigey kaga horreeyaane
In kitaabka laynagu hagey qadaf u heystaane
Haddey aqoonsi helayaan kufriga ka hakan maayaane
Hanka beeshu diintoo dhan bey kala horreysaaye
Waa hoos ka gaal nimey Tigruhu u hambalyeeyeene
Afka hilibkii Sheekh Maxamed bay weli ku heystaane
Hoggii culimadey noqotay iyo god iyo haadaane
Dembina uma hayaan aan aheyn aayada ha sheegin
Sidaasey hormuudyada kufrigu ku hambalyeeyeene
Hog madow haddii lagu ridey qabar helaayaane
Afka huuraalayaal jahanamey ku harqan doonaane
Ha kaa saaro Buush waa adigii u heelanaan jiraye
Hididiilki iyo beenti iyo haatufkii maraye
Kuwo naarti ku haftay jannadii heybsanahayeene
Markey laanta Hereriga hayaan heestuney yabaqdo
Saqrada iyo hididiilka iyo hoobalkow taliya
Halaasigu wuxuu kicinayaa hiira-hiiraha'e
Hadyiga iney ku shaashoobayaan hubanti weeyaane
Humaaggey waxyigii moodayeen waa huf iyo beene
Hiwaayadoodu diintoo dhan bey kala horreysaaye
Dadweynaha hidaayadii waxyiga heysta mo'oyaane
Inta hawlwadeennada ah iyo tobanka hiiroole
Wasiirkii kufriga ku hadlay bey u hambalyeeyeene
Wadaadihiina hadal jilicsan ku hor istaageene
Habkii aan la rabay wax uma dhihin, waa hagranayaane
Hanuunkiyo hidaayaduba waa hibo Ilaahaye
Maxaa heysta culumadii dulmigan ka hadli maayaane
Nacaskii kufriga ku hadlayoo diinta haraseeyey
Hargeysuu ku soo laabtayoo nabad ku heystaaye
Waa u hambalyeeyeen weliba hawlwadeennaduye
Kalimaddi lagu heshiiyuu isagu haarta soo dhigaye
Sidee loo horori waa iney u hambalyeeyaane
Haadaan madow bey galeen tobankii hiiroole
Hadalka lagu riddoobiyo kufriga ka hakan maayaane
Saddexda magacoo uu heysto waa kula habaabeene
Haanfariyo Maykal iyo Joon hibo ha loo siiyo.

Hiddo-Raac

Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle gabaygaan waxaa uu ka tiriyey xariggii loo geystey Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ay maamulka Soomaalilaan ku xireen magaalada Hargeysa iyagoo ku eedeeyey shiikha inuu khatar ku yahay nabadda iyo deggenaanshaha degaannadaa. Arrinka uu gabaygaan ka hadlayana waxaa aad loogu soo muujiyey ama loogu soo daabacay qaar badan oo ka mid ah bogagga Soomaalida, warbixinnadaana waxay muujinayeen sawirro iyo filim laga soo duubey arrinkaa, waana midda kicisey Bacadle oo gaarsiisey inuu ku dhawaaqo hadal aad u adag oo gaarsiin kara inuu ku xadgudbey ummad dhan oo aan wada danbi galin inkastuu hordhaca gabayga ku afeeftey abwaanka.

Gabaygani hin buu kicinayaa waana la hubaaye
Hargeysoo dhan uma jeedo iyo heybahaa dega'e
Gabaygani wuxuu la hadlayaa howlwadeennada'e
Iyo wixii u hiilinahayoo heyb u daba jooga!
Hadhow yaan la oran beel dhan baad holaca gaarsiisay
Waxaan ka hadlayaa culumadii beeca loo helaye
Oo aad Waayaradii korontada ku holcineyseene
Oo aad timaha heyseen sida gaal la soo helaye
Ood ku hirdiseyseen jilbaha ha igu towxiidin
Magaaladan Hargeysoo kufriga hibada loo siiyay
Oo Gaaladeenaad handadi lagu huruufaayo
Oo hiilka Buush noqotayoo Xabashidow heegan
Oo Naasigii Hitler shaabahdoo Diinta ka huleeshay
Oo hilibka culimada ku nool, kuna haliileysa
Oo aan hadyigii Nebiga rabin heestase u qaada
Oon haba yaraatee Sunnaha hoos u dhuganeynin
Hidda raaca gaaladey Tigraha kaga horeeyaane
Iimaanki bey u huri Kufrigu hey aqoonsado'e
Hanka beesha iyo gaal unbey u halgamaayaane
Hey haatan calan aad heshoo hibo laguu siiyo
Intaan koonfurta habeynayaad hununuceysaaye
Huuraalayaalkaan qaxiyay iiga howlyaride
Kuwii dhiigga culimada harqaday waan isku hubaaye
Rabbi baan isku halleynayaa guulna waan heliye
Insha Allaah, Hargeysiyo Berbera waan hantinayaaye
Kitaabkaanan ku hoggaamin ee ma'ahan heybteyda
Haad geed saaran baad ii tohoon waraf u heysaaye
Howd iyo Burciyo xeebta Bari kuuma heegana'e
Raggii aad isku halleyn jirteen hiil Alley noqone
Kuwii Xamar ka heyruubay baad la hal wadaagtiine
Hareeraha markaan kaaga rido hoos unbaad dhugane
Hayaayda iyo qeyladana waad sii hawaawiciye
Hiddaha gaala raacoo dhanbaa hoos u sii degiye
Ka huleele meeshay Furqaan ku hagranaayeene
Hanka beeshu Diintoo dhanbay kala horeysaaye
Hadyiga Nebiga iyo Aayadaha ku hakan maayaane
Hiyi raaca gaaladey Furqaan kaga habsaameene
Wax la heysan jirayoo kaley u haminaayaane
Helina waaye go'itaanki ay u halgamaayeene
Dulcad iyo Hartii Sheekh mar waan kuu hantaaturine
Har-cad baa la geli oo la qaban howlwadeennada'e
Daroogada markaan ka hurgufney khabar helaayaane
Hurdada waxay ka kici waa markaan howda maqashiiyo
Rabbi kuwo u hiilinahayuu hibada siiyaaye
Insha Allaahu hadalkeennu waa noo hirgelayaaye
Haamaha markii laga quboo holac la leefsiiyo
Ama aan Qabriga ku hubsaney khabar helaayaane
Wan humbulan kor ma haleelayee hoos unbuu dhugane
Cirkaba woxowgu hora maalintii helayo Gaal-leefta!

Shirib

Safar badnaa Soomaalilaan
Madax Ahlu Sunney sidaan
Madax gar leh Mareykan geey
Malyan ha kugu maalgelshee
Riyaale
Raa'ix iyo Rujuuc dhowaa
Illeyn ru'uus dadoow raraa
Howshiisi mow hilmaamayaa
Hilib dadow horuu bartee!
Bahdow hoggaamiyaa ba'doo
Bilad basaasnimow sitaa!

Afar walxaatoo H ku taal waxaa ka hesho waa hubsaa;
Hadyiga diidee hawa raac
Waxaa ka hesho waa hubsaa;
Hameenki hoobiyaan hufaa
Waxaa ka hesho waa hubsaa
Habriyo ilmo hoojintood
Waxaa ka hesho waa hubsaa;
Bad u hibeyn nin hooganaay
Waxaad ka hesho waa hubsaa

Hila biyoood habowga keen
Waxaa la hesho waa hubsa.

Qaybta Labaad

GABAYO AF-CELIN AH
Jawaabo Ku Socda Abshir Bacadle

HORDHAC

Inkastoo buuggani loogu magac darey diiwaanka gabayadii iyo maansooyinkii uu curiyey Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle, haddana waxaa marka hore tilmaan mudan ineynu halakan ku soo bandhigi doono maansooyin iyo gabayo uunan lahayn ama uusan tirin abwaanka, sababtuna waxay tahay gabayadaa iyo maansooyinkaa kale xiriir gooni ah ayay la leeyihiin gabayada iyo suugaanta qaarkeed uu Bacadle mariyo oo badankood waxaaba la dhihi karaa waxay jawaab u yihiin gabayo uu horey u tiriyay Bacadle, laakiin gabayadaa waxay dadka qaarkood ku reebtey xanuun gooni ah sida abwaanno kale oo Soomaaliyeed, ujeeddooyin badan awgeed haba ugu badnaatee ineysan ku raacsaneyn abwaan Bacadle arrimaha uu taabtey, ha ahaadeen arrimo siyaasadeed, diimeed iyo mid bulshadeedba, sidaa darteed waxaa inala habboonaatey oo ay amaanaduna ku jirtaa in howshii aan galney aan si hufan ama faa'iido u leh dadka Soomaaliyeed ee xiiseeya suugaanta Soomaaliyeed u dhammeys tirno fikrado kala duwan aanu buugga ku soo aroorinno, akhristuhuna uu garsoore noqdo ama uu doorto hadba fikradda la fiican ama dooda la haboon, taana ma aha mid aynu annaga ugu horreeno ee qorayaal Soomaaliyeed ayaa hadda ka hor ku guuleystey iney soo bandhigaan aragtiyo kala duwan iyo doodo iska soo horjeeda oo ku yimid hab suugaaneed. Sida maansooyinkii Silsiladdii la magac baxay Guba oo taxanaha ahaa iyo maansooyinkii Silsiladdii Siinley iyo Deeley. Waxaa xusid mudan ineynu caddeynno in qoraaga weyn ee Soomaaliyeed Yaasiin Cusmaan Keenadiid uu ahaa axadkii ugu horreeyey ee sameeyey habka aanu soo sheegney, isagoo buuggiisii ku qornaa afka Talyaaniga ee uu ka qorey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo suugaantiisa uu ku soo arooriyey gabayo looga soo horjeedo Sayidka iyo afar gabay uu Sayidku lahaa oo laga reebey diiwaanka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee uu qorey qoraaga weyn ee Aw Jaamac Cumar Ciise, buugga Yaasiin waxaa la oran jirey Ina Cabdille Xasan e la sua attivita letterararia, 1984, Nables, Instituto Universitario Orientale.
Gabayada halkaan aanu ku soo xigan doono badankoodu waa kuwo liddi ku ah Bacadle marka laga reebo gabay kaliya oo raad raacay Bacadle kuna raacsan abwaanka hannaanka iyo jawaabaha uu siiyey Soomaalilaan. Waxaanse taxanaha gabayada noocaan oo kale ah ku billaabaneynaa gabay ay isugu jawaabayaan Abshir Bacadle iyo abwaan Cali Xaashi oo ka biyo diiddan gabayo uu Bacadle u tiriyey Soomaalilaan taa oo la xiriirta sida aanu horey u sheegney xariggii gabadhii Samsam iyo Shiikh Maxamed Shiikh Ismaaciil. Waxaase xusid mudan in gabayga Gob Cunsuri Ahoo Waxaad Tihiin Ficil Gumeyd Yeeshey oo Bacadle ka tiriyey xariggii Samsam aannu horey u soo arooriney, uu ka mid yahay gabayada aanada loogu hayo ee uu Abshir ku jawaabayey markii ay soo gaartey dhowr maanso oo ka dhiidhisey hadallada Abshir ka soo yeedhey.

Maxamed Xuseen Macallin
Oslo, Noorwey
Maajo, 2012

Haad-Haad Maxaa Kaa Dhigay? – Cali Xaashi

Bacadle iyo Cali Xaashi ayaa laba gabay is dhaafsaday. Cali Xaashi ayaa gabaygan soo socda kaga afceliyey gabayadii Abshir qaar ka mid, waxa uuna gabaygiisii u dhigay sidatan:

Abshirow warkaan kaa helniyo hadalladaad sheegtay
Hammigeena kuma jirin inaad noola hawooneysid
Taariikhda wuu kaa hallayn hadalka qaarkiise
Hilibkeeni baad goysayood halacsanaysaaye
Gacalkaaga lama hiifo maysidoo wa habeen tagey
Heyb kalane helimaysidoo waan habeen tagaye
Ayagaa kuu dhannoo kuu tol ahoo lama huraankiiya
Nin hunguri hor kuugu ma aqoon haatanse an moogi
Halgankayagii Yunisoom adaa noo horeyn jiraye
Dib inaad u haakowsataa kuuma habooneyne
Dadku waxay ku haasaawayeen sooma aan hubine
Habaar owliyo wuxuu qabaa ha iyo wow reeb ah
Hantidaad laheyd meeday sow hadalku dow maaha
Haad haad maxaa kaa dhigoo la hirgisaysaa!

Hawo Been Ah – Abshir Bacadle

Gabaygan waa jawaabtii Abshir Nuur Faarax Bacadle ugu afcelinayey Cali Xaashi (eeg gabaygiisa kor ku xusan), waxayna u dhacdey sidatan:

Cali Xaashiyow hadalku waa kaa habeensadaye
Anigu hiil Rabbigey baan ahay waana la hubaaye
Waxaa hoogayoo ba'ay wixii gaal u howl galaye
Iyo kuwii u hiilinahayoo heyb ku daba joogay
Hogga maalintii lagu riday khabar helaayaane
Adduunyadana ku hungoobe waxay ku haminaayeene
Ka heyruube meeshey khalqiga ku handadaayeene
Haad geed waayey sow lagama dhigin hadura gaabgaabti
Himbiriirsi iyo waan la rabay hogasha ceebeede
Ka huleelo Xamar aakhirana howl kalaa sugiye
Hagooga xun hadey magangaleen hoos Allow celiye
Haddaabay falkiyo haykalkii ka harqinaayaane
Oo mayd u heybinahayaan hanasho guuleede
Iyagaa hantool iyo ku ridi god iyo hadaane.
Oo hilib ka cuni waa waxay ku hamminaayeene.
Halkaasuu ku sugi goor dhawoo hiihah loo tumiye
Halgankeeni Yunisoom kufri baan wada halgaadeynay
Adinkaa haloosigii ka lumay nagu haboonaaye
Nin walibana hadafkuu lahaa aakhiruu heliye
Habaar waxaa ahoo lagu hubaa mayd gacmo u hoorsi
Hana igu hadadin owliyee qaadirka u hiili
Hawo been ah waa wixii tolkey hodaye sow moogid!

Bacadlaha Danaaninayow! – Cismaan Yuusuf

Gabaygan waxaa curiyey abwaan Cismaan Yuusuf horraantii bishii Nofembar, sannadkii 2006dii, isagoo jooga dalka Ingiriiska magaaladiisa Barminhaam. Abwaanku wuxuu si aad ah uga soo horjeedaa Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle, waxaana ka muuqadata in abwaan Cismaan si aad ah uga xanaaqey gabayo uu Abshir tiriyey oo uu kaga hadlayey arrimo la xiriirta reer Soomaalilaan, gabayga Cismaan wuxuu ka qaawan yahay anshax suugaaneed lagu dhaqmo marka maanso la tirinayo. Cayda, habaarka iyo aflagaaddada qaawan kuma habboona in suugaanta lagu daro. Si kasta ha ahaatee Cismaan gabaygiisana wuxuu ku bilaabay sidatan [http://hormoodnews.com/index2]:

Da'da gabayga waa taanan deyin toban diraacoode
Denbigeedda waa taan ka hadhay dihashadeediiye
Digriga Alle mooyee wax kale daadiyoo nacaye
Ha yeeshee darbaa igu ceshee daar isma lahayne
Aan daleeyo maantana halkaan doodda marinaayo
Bacadlahaa danaaniyayow warkaad dunida gaadhsiisay;
Miidhyaha u duub teed nagu duqay nayso
Aflagaaddadaad nagu durtiyo damac xumaantaada
Eed la doobinaysaan dood yar kaa odhane
Degelkiinna way kuugu iman duhur dharaareede
Taariikhda duugga ah ayaan kuu dul marayaaye,
Habeen dama' markuu Keenadiid kugu dulmeeraayay
Masallaha markuu kugula degay daayacnimadiina
Hawiyaba dammiim buu ahaa daayacoo lumaye
Markuu degela waynow Fardaa kugu dabraynaayay
Duqayduu raraayiyo Raggii diiftu wadda haysay
Addigoo marqudha daaya iyo doodna celinayninee
Dumarkaad la simantihiin markuu doodda marinaayay
Ee uu dalkagii kugu xukumay Xamar duleedkeeda
Dusha kaaga taagnaa Majeerteen daayin abidkiiba!
Kuwii kuu damqaday baanu nahay ee kuu dagaalamaye!
Doqon baan abaal laga helayn daayin abidkeede;
Afartaa daleeyee dood kalaan odhane.
Afrikada markii layska degay ee dabinka loo qoolay
Sidii duunyo xoolaad markii qoolka lagu duubay
Doonyaha markii lagu daldallay ee debedda loo dhoofshay
Macdantii dul tiilliyo la raray dahab wixii yaalay
Dalkoodii markii lagu xukumay qaarna laga dhoofshay
Jumekada markii lagu dal dallay doodna loo celinin
Dalkaygii markii cadaw dhex degay dacalba qaar siiyay
Kiinyaanka doobta leh markii dacalka loo gooyay
Xaylaha dilaaga ah markii gobollo loo dayray
Dulligii gumeystuhu markuu qolaba daan raacshay
Iyaguba Digriga Alle ayey naceen Diinta Eebbahaye
Waataan ka doorbiday xornimo iyo dawladnimadiiye
Bacadlana kufruu igu metelay Kaafirkaa xumiye!
Bacadlaha dayoobow hal aanku waydiiyo
Soomaali waataad disheen duhur dharaareede
Hantidii dalkaba qaadateen dahabki hoos yiile.
Muslimiinta waataad mar qudha wada dulayseene
Iinta sheekh Digriga Eebbahay lagu duraynaayay
Ama doollar lagu iibsaday cc debcda loo dhoofshay
Adiguna dilaalkaad ahay Gaalku soo diraye
Goormaad dad nimo sheegga-teed dooda soo celisay?
Danbigaad gasheen baa dad kuba weli laddiidaaye
DIGILIYO MIDHIF ISAAQ DIRIYO DAAROODBA;
Maymayga dooxada deggiyo xeebta dacalkeeda
Barawaanidii Shaangaaniyo midabki Soomaali
Way-dinkii marqudha diirtay kaa carar nin daacada
Iyo duridi reer Sheekhe goormaad haddana daahirteed diinta soo celisay?
Dunidaba markaad muudsateen dahabki guud yaalay
Waataad badana duluq tidhaahdeene
Maraakiibta daafaha martiyo Badaha guudkooda
Barqa weerarkiinii mar qudha babiso loo tuurye
Adduunkuba ka durug xeebihii daahirka ahaaye
Adiguna dillaal kaad ahayd Daydaygii kacaye
Goormaad haddana daahirteed Diinta noo qiratay?
Wuxuu damac u gaystay Cali Mahdi degelki Soomaali
Suntii uu ku soo daadshay iyo dacarta uu beeray
Dakharka uu gaystiyo doogti may hadhine
Adiguna dilaalkaad ahayd suntaba daabulka u gura e
Goormaad haddana daahirteed Diinta noo qiratay?
Beerihii dalkaygiyo dhulkii dalaggu noo yiillay
Canbe lagama daabulo Jilib dusheediiye
Muuskii Jamaamana la goo dalaggi beeraaye
Daroogaaba lagu beeray suniyo deebaaqe
Adiguna dilaalbaad ahayd suuqa loo dira e
Goormaad haddana daahirteed Diinta noo qiratay?
Daaduunka waatii tolkaa kala dillayseene dabka ololay
Madfaca dananayee reemay digta yeedhay tiirkii kajabay
Abgaal ayuu weli latiicaaye Murursadana
Waakii ka tegay teedki Xamarweyne
Adiguna tababariihii baad ahayd ciidanka u tumaye
Toobadaa wanaag lagu helaa jidkoo laguna toosaaye
Iyadoo Tinkaaggii cad yahay ayaad hadana Aadamaa Wadda tur qaysaaye
Kufri baad kusoo tidhi Dhamaan Ehelu Towxiide
Imaatida Allaan kuu beryee Naarta kugu tuurye
Xabashiguna kuu tali Toobad xooryawe
Goormaad haddana daahir eed Diinta noo qiratay?
Waxse anigu aan diiday oon doonayaa jira e
Duqyadii Abgaal iyo culumadaa Diinta
Shirkii loo dudeeyay ee damasha loo ooday
Shariif kuna guddoonka u hayey Daahirna u joogay
Abshir xume kadoob yaayay! Ee uu gaalo nagu sheegay
Ee uu Kufriga nagu tilmaamaayay
Maxaakiimtu way wada tubnayd sacabna loo tummayay!
Aadamuu wuxuu kala tirsado waa la hubiyaaye!
Ma culumudan daacadnimo dawga ugu joogin?
Arrintaa haddaan nalaga dayn dood kalaa xigiye
Madaafiicda duushiyo rasaas doorkan naga eegga
Dood kalana waa Soomaalilaan middaan dareensiiyo
Dahir Ina Riyaalow haddaad war iga doonayso
Madaxweyne aan doortay oo daacadda ahaato
Shacabkaaga layskama didsho duhur dharaareede
Sheekh yaddan xabsiga daayimee Diinta fidinaaya
Denbi aanay gelinbaa malaa loo del dellayaye
Durji xummi ma fiicnoo wakhtigu waa is gurayaaye
Derejaddii wacnayd een lahayn doorkan waa halise
Soomaalilaan danteedda baadda doorkan maamula e
Bacadlana wax daran buu wada damacan suulayne
Dhala duushay may noqon ilayn dawlad nimadiiye
Waxan Cadawgu doondoonayaa kala dil weeyaane
Haddii ay xumaan damacsan yiin Daayin baa qabane
Diintaaban kugu dhaariyiyo daacaadda Ilaahe
Cafis flicanoo lagu farxoo shacab ku donnaayo
Cadawguna ka diiqo oo uu diilalyo u seexdo
Dalkayguna ku faano oo uu dunida gaadhsiiyo
Ayaan doorkan kaa filliye deg deg iigu siiddaa culumadaa Diinta!

Halaqyahow Sumaysan – Khadar Axmed Barkhadle

Gabaygaan waa jawaab ku socoto Abshir Bacadle oo uu curiyey abwaan Khadar Axmed Barkhadle oo Swiiden ku nool. Maansada waxaa la tiryey 6dii bishii Oktoober 2006dii. Khadar waxaa uu ka danqadey gabayo uu Bacadle u soo jeediyey maamulka Soomaalilaan, oo uu ku eedeeyey diin xumi, iyo ajnabi u adeeg.

Hamuuntiisa gabay baryahan waan ka haajiraye
Indhawaydba heesiyo ma tirin hawraarta maansada e
Hadal xumada halaq-Bacadle iyo heeryo xumadiisa
Ayaa hadalka iga keenay iyo gabaygan heensaysan
Hanjabaad bilaashloow howgan aad handadayso
Hanad iyo wuxuu leeyahay hub iyo maalkiise
Huwantiinii oo idil ayay habeen orod ku jiidheene
Hadhaagiinii waa kii firxadkii hallaabaye
Rag hubaysan baa jira ilaa gubanka hoostiisa
Una heellan hebedkaagan oo kale inay hanaqa gooyaane
Hanqaltaaga hoygani waad ku hooban doontaaane
Halaqyohow sumaysani dab bakhtiyay dib ha u hurin;
Hoygayaga dhammaantii markuu hororku helayee
Hawd ilaa bari dadka haybta lagu dilayay
Hadal kaama soo bixin hawraarna maad tirin
Hambalyaad lahayd hiilna waabad u ahayd
Immikana hammuuntii ayaa wali ku haysee
Hanqaltaaga hoygani waad ku hooban doontaaane
Halaqyohow sumaysani dab bakhtiyay dib ha u hurin;
Haybtii Tigreegiyo gaal haddaad ku sheegtay
Kufrinimo haddaad huwisay Muslimiin hanuunsan
Hubaal weeye iimaankaagu hoos inuu jiro e
Heeryo beena sidatoo huwatay diintiiye
Turki Huuraale baad hayb wadaagtaane
Hooyooyin laayuu ahaa hebedka qooqani
Haddeerna heeryuu sitaa oo diinta ku hagoogtay
Hanqaltaaga hoygani waad ku hooban doontaaane
Halaqyohow sumaysani dab bakhtiyay dib ha u hurin;
Haybta idinkaa wax ku heera horor sidiisiiye
Hoygii ka haystoo hanjabaadna ugu dara e
Haweenkooda xoogoo beerihii ka haystee
Habeen weeye Ramadaane waxan kaga hadhaayaa
Hagardaamadiinaa idinkaa qiyaamaha la hortagi Ilaahay!

Akishuu Noqday! – Axmed Cabdi Geelle

Gabaygaan waa jawaab ka timid abwaan Axmed Cabdi Geelle uuna u diray abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, laakiin markan jawaabtu ma aha mid ka soo horjeeda Bacadle ee waa gabay xanbaarsan waddadii uu Bacadle maray markii uu la hadlayay reer Soomaalilaan gaar ahaan maamulka sare ee deegaannadaa. Abwaan Axmed Cabdi Geelle isaga qudhiisa waxaa ka careysiiyey xarigga loo geestey niman wadaaddo ah oo lagu xirxirey Hargeysa iyo xabsiyada hoos yimaada maamulka Soomaalilaan, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yiri:

Bacadlow aduunyadani waa oday ka sheekeeye
Amakaag ma laha shay hadduu soo ahaan jiraye
Adamigu wixii ku cusub bay la ashqaraaraane
Arrin aniga iga yaabiyoo aada baa jira e
Arxan xumada Soomaalilaan maqal Islaamkiiye
Iyaga iyo Axmaaradu Iblays agabkii weeyaane
Culimadda Ilaahay diraye diinta u adeegta
Xabsiga Abuu Qurayb oo kalaa lagu idleeyaaye
Eed ma gelin wadaadkaniye waa la arjumaayaaye
Iimaanka uu leeyahay buu eeday oo qudhahe!
Elekteriga lagu ololiyee ubucda loo saaro
Indhihii arkaa la hubaa inay ilmeeyeene
Abtirsiinyahaa lagu arkay iyo oodda uu yahaye
Akishuu noqdaye Iina Isaaq weys tixgeliyaaye
Awood nimaan lahayn iyo qariib waa Al-Qaacido e
Iyagay adduunyadda tusaan kuna ugaadhaane
Abris iyo abeesay noqdeen arami jiiftaaye
Ehel ma laha gaal iyo ninkii aaladow sida e
Innaguu gargaar innaga sugi Ina Ismaaciile
Addimada haddaan lagu tegeyn jeelka lagu ooday
Aan lagu afuufayn rasaas ololku qiiqaayo
Alaylehe inaan aamusnaa waa ardaalnimo e
Abshirow adow hiilin jiray kii la aayiro e
Inantii yarayd waadigii Aakahow ridaye
Eeggana afkaagay bulshadu eegaysaa weliye
Uugaami maansada mar baa lagu itaalaaye
Inta uurka nugul ee dulmiga ka anfariiraysa
Odayada wax garadkee xalila xaajo la adkeeyey
Interneedka ugu sheeg xaq waa loo arrimiyaaye!

*

Afartaasi alifkaan bartiyo erayadaydii dheh;
Hawraar awow laga wato iyo hibo Ilaahay dheh
Eegana Riyaalow la maqal waxaad ahaateene
Oogada saraad uga eg tahay Iina Islaameede
Adigiyo Israa'iilba waad edeb darraateene
Nin Islaamka neceb baad tihiyo ehelu khayrkiiye
Axmaqyohow wadaad sooman baad adhaxda goysaaye
Laga ogaayey eeddaad fasheen tan iyo Ayrlaan e
Aakhiro tagtaa oo cadaab lagugu aasyaaba
Kursiga kaa aryaa oo nabsigu ood ku geliyaaba
Indho beeshayaa oo arlada umal ku joogtaaba
Insha Allaahu waan sugi siduu Eebbe kuu galo e!

Hoyga Suugaanta! – Abwaan Axmed Naasir

Gabaygaan waa jawaabo jacbur ah oo ku socda Bacadle, waxaana tiriyey abwaan Axmed Naasir oo weerar iyo jawaab celin ku haya Abshir Bacadle.

Hargeysaay anaa kaa hurdee hadhac kuma hantaaqeene
Haybtaada muu duudsiyeen huqay addoomeede
Haybad wixii aad lahayd lama higgaadsheene
Habeen iyo dharaar inan gumeed muu handadeen dhashaadiiye
Ninna kuma hantaaqeen waxaan gelin hankaagiiye
Inkastood holkeeduye tahay hoygii suugaanta
Oo hoosta ay buuxiyeen hoballo waaweyni
Ma habboona inaad la hadashaa hebel gumeedkaase!
Ha yeeshee hawshaada qaran eed higelinayso
Heegadeeda gaadhsii horaad ka heli doontaye.

Heedhe Maad Sheegtid! – Cabdiraxmaan J. Aadan

Waa afarray aad iyo aad u gaaban ee uu mariyey Cabdiraxmaan Jaamac Aadan oo ka carooday gabayadii uu Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle kaga hadley arrimo dhowr ah oo xiriir la leh maamulka Soomaalilaan, waxaa uuna yiri abwaanku sidatan:

Hargeysaay anaa kaa huredee mooryaan kuma hungureyeeyeen e
Hanti badan haddii loogu sheegay reer Mudug hungurigooda.
Hadal yaraanta Rayaale haddii la arkoo lagu soo haliilayo
Heeryadaad tuurtay hadduu raggi haatan kula goobayo
Harta sheekhaan ku gayn hadduu maanta hadalku joogo
Hanadaddii S-taa la ismoodsiin inay ciida hoosmareene
Heegan inaad leedahay iyo gaadh kuu holinaaya
Halyeeyo dab qaadi inay kuu kaceen heedhe maad sheegtid.

Bacadlow Soo Daleel Baxe! – Abwaan Hayaan

Gabayga soo socda waxaa mariyey abwaan Hayaan oo ka xumaadey weerarkii Bacadle ku qaadey reer Soomaalilaan, gabaygiisana wuxuu dhextaal uga dhigey tuducda ah Bacadlow Waxaad Dadi Lahayd, Soo Daleel Bexe e. Gabayga abwaan Hayaan layaab ma leh waayo wuxuu daba joogaa gabayadii jawaab celinta ahaa oo ay abwaaniin badan oo Soomaaliyeed mariyeen iyagoo ka caroodey maansooyin dhowr ah uu tiriyey abwaan Abshir Bacadle, taa oo taabaneysey arrimo xasaasi ah oo xiriir la leh degaannada Soomaalilaan iyo maamulkooda sida arrintii gabadhii ay xireen ee Samsam iyo xariggii wadaaddo uu ka mid ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil. Waxay ahaataba gabayada Bacadle waxaa qaadan waayey abwaanno badan oo u qaatey arrinkaa gardarro cad oo si ula kac ah wax looga sheegayo diintooda, sharafkooda iyo dadnimadooda. Hayaan gabaygiisa carada ka muuqata wuxuu ku bilaabey sidatan:

Bacadlow waxaad dadi lahayd, soo daleel bexe e
Mar haddaad in taasoo danbiya joogto dacalkooda
Oo aadan deelkiisa gabay diirka uga qaadin
Nin qabiil diloodaa tahee yaa dafiri doona!
Deelayda gabay waanigii daadahayn jiraye
Daruusteeda waataan wax badan daalib ku ahaaye
Digrii waanigii qaatay iyo darajo waawayn e
Danna wowga baxayoo baryahan daayay hadalkeed e
Hayeeshee dareen wax i gashoon diiday baa jire e
Deelqaaf weeye Bacadloow, waxaad daabacdoo kale e
Haddaad adigu dool iyo ku timid dab iyo baaruuda
Asaad qiratay Daarood inuu dagin ku kiisiiyah
Danbi weeye hadallada kalood daba dhigaysaay e
Diintii Islaamka iyo haddaad daacada u jeedo
Oo aadan dariiqii Hawiye dacalka saaraynin
Dadka maadan boobteen intaad duub u xirataay e
Diinka iyo adoon kala marin damaca reerkiina
Haddaad dooni wada saarto ood dibad u iib gayso
Dubaaquu ka soo baxay caqligu Daahir ma ahayn e!
Waligiinba door baad kacdaan sida dabayshiiye
Daf-daftiina badan baa ayaan lala dakaamaay e
Diraacdana ma soo dhaaftid oo digo ma reebtaan e
Caydiid dorraad bay ahayd daqara diisiiye!
Dagaal badan wixii uu galee dirir ku liibaanay
Maandhow dux kama uusan helin dunida waagiiye
Daahir iyo Aways-kaanu waa labo daqiiqood e
Dakanka iyo wuxuu badinayaa daynka ii qoran e
Talo daa in tiyo kuma ogayn darari khayaareed e
Waa nin darajo raadinahayoo diin gabaad-saday e!
Asaga iyo wixii dabagalaa wax isma doorshaan e
Dersi adag ninkii aan u dhigin dayni mahayaan e
Dabka maalintaa qaadanee dirir u khaanshaysto
Doqon-diide iyo Cowramale Dir iyo Sheekhaasha
Mushunguliga xeebaha dagiyo wabiga diishiisa
Anigay dad iyo ii yihiin daris wadaageed e
Dakano nama dhaxyaaliyo anaga dil iyo laystaan e
Durbaankaad garaacayso iyo duulaanku waa been e
Doqonkaa Ogaadeen ee aad dira diraynayso
Daaftaas haddaan ola baxoon daan wax ugu sheego
Daruustayda way qaadan oo diidi mahayaan e
Inkastoo dubaakhiyo qalbigu daxashu gaashaysay
Dad anaa u xiga ee haddaan daawo galin waayo
Dugaag iyo hawiye waa inuu dacal kasaaraaye
Daaftay banneeyeen haddaan Sacad ku daaduumo
Ayagaba dullaa lagu markaday doorki ree Jalaf e
Dakan kiyo colkii waa qabaan waana diriraane
Wuxuu duud ballaaraa Abgaal dacay maqaateene
Dabka sidi ayaan looga dhigay dood ma soocalin e
Duqa Cali ah waataad dorraad daar ku xirateen e
Inuu ciilku soodaashadoo daamurkii karayo
Dumar iyo raggiisuba inuu duub cad wada qaatay
Ooy dibinta wada ruugayaan daafigaa siday e;
Haddii niman dagaan ah Islaam loogu diirnaxayo
Durdurada kuwaa laga gadee biyaha loo diiday
Dadka labo Shabeeliyo wixii doy ku dhaqanaayay
Dalagga iyo beeraha maxaa loogu dacareeyay?
Dulinkaas kuwii galay markaad dililahaydeen se
Durba Sheekh maxaad uga dhigteen diinka ku ikraaman
Daaraha agoomaha kuwii duud siyee cunayay
Diir kiisi mooryaan qaboo daqaradiisii leh
Duqowda iyo shuurada maxaa loogu darayaase
Bacadlow waxaad dadi lahayd, soo daleel baxe e
Mar haddaad in taasoo danbiya joogto dacalkooda
Oo aadan deelkiisa gabay diirka uga qaadin
Nin qabiil diloodaa tahee yaa dafiri doona.

Hawaawigu Dhab Maaha! – Cabdalle Faarax Sigad

Gabaygaan waxaa curiyey abwaan Cabdalle Faarax Sigad 6dii Oktoobar 2006dii. Sideedana tixdani waxay ku socotaa Abshir Nuur Faarax Bacadle oo curiyey sida aanu soo sheegney gabayo liddi ku ah hoggaanka Soomaalilaan. Tixda magaceeda waxaa la yidhaa Hawaawigu Dhab Maahee, Miyaad Heesta Naga Dayside! Abwaan Cabdalle Faarax gabaygiisa ma uusan qarin inuu kaga soo horjeedo Abshir Bacadle ee uu u jawaabayo, waxaana muuqata sida uu ugu kalsoon yahay Abwaan Cabdalle Faarax Sigad fikraddiisa uu uga soo horjeedo Bacadle oo uu isla markiiba ku bilowday gabaygiisa oo ku yiri:

Abshiroow hataataca iyo hadal xumaantiisa,

taa oo daliil u ah ka liddi ahaanshaha. Abshir oo uu sugi waayey inuu caddeysto arar gabay kaddib sida caadada abwaannada Soomaaliyeed u badan tahay, laakiin ay noqotey tuducda ugu horreysa ee gabayga.

Abshiroow hataataca iyo hadal xumaantiisa
Haddaad diinta hiil u tahay uma hiloowdeene.
Hammigaagu waa kaa ku yidhi hawdaka soo qabo e'
Hubsanwaagu waa tii Hawiye heertay waa horee
Hawraarta maansada adoon hubin maxaa hadalka kaa keenay!
Hinyi kaca iyo hamaahsiga waxbaa ku horsocdood habo leedahaye
Hargeysiyo Barbaraa lagu horkeenaaye, adigoo hurduunbaad hawd xoraysaaye.
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid;
Afartaa haddaan hakiyo oon hoos u daadago
Hirdankiyo dagaalkaad wadaa Abshiroow haybsi weeyaane
Hadday Xamar hagaag diiday ooy diintu ka hadaaftay
Oo aad hanuunini kufriga adi ku hoosjooga
Hiilbaaban soo diri lahaa iyo culimi heeryaysan
Ee hiilkiyo xumaantaad wadaan hiifay waa horee
Hawiyaa higgaadini Quraan waa hadal macaankaaye
Hashayduun baad rabtaa inaad haanta goysee
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid;
Habeenadan khayrka badan ee Ibliis haanta laga buuxshay
Aduunbaa Dijaal nagu hadhoo Abshiroow soo hagoogane
Hadaad diin hawaysani bishani maba habaaqdeene
Hiddo uma aad lahayn ee anaa diinta kuu huraye,
Halkaan kuugu joojaad wali ku haysaaye
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid;
Halgankii hawaas iyo markaan Herar xoraynaayay
Haylihii Sayidku sheegaybaa malaha kugu hagoognaaye
Hadda diinta lama soo dajine yaad hanuunini
Habeen baad gudaysaa dayuxu hoyday waa hora e'
Hulac iyo rasaas baan ku helin oon timaha kaa hoolin
Hawlyaraan Kismaayaad gashee way ku hodintaayi
Ee hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid.
Haddii uu Majeerteen Hawiye soo horkaco maanta
Oo ay hammiga soo gashaan hawdka Bari gaadha
Hawaas Ciise joogiyo tolkay baan soo horkacayaaye.
Haddii aad hawaawiga Isaaq heer istidhi maanta
Anigaa hoggaanshoo soo horaynaaya.
Hubka niman hindisaan Awdal ku hayaaye
Heegan bay yihiin haddaad nabada heertaan inay Xamar hujuumaane.
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid;
Haybadaha Ilaahay hibada noo siiyay
Sunnahaa u horeeyo annagu kama habaabayno.
Ee haddaad hooriyoow wiil Hawiye hilib dad ruugayso
Oo aad hanoon moodday dhiigga hawdhabani
Hargeysa inaad hantido waa habeen tagaye
Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid!

Jawaabtan Sii Bacadle – Cali Duulduul

Maansada Cali Duulduul sidan ayey ku bilaabatay:

Nimanyahow amuuraha jiraa kala astaan roone
Iminkana tanaan soo arkaa iigu yaab badane
Ilaa iyo ayaantaan maqliyo eegga iyo maanta
Abshir Bacadle gabaygu tirshaa waa indho la'aane
Anbadnimadu wow caadi iyo nuu asqoobaaye
Marka uu in joogaba dad buu ku anfariiraaye
Uu ehel kufaar iyo Amxaar kula itaalaaye
Afkiisuba ma geyo inuu wanaag soo abaabulo'e
Maskaxdiisa eerer iyo miyaa iimo lagu sheegay
Mise waa aqoon gaaban yahay aaba amankaage;
Afarta adkeyaye hadaan erayo taataabto
Islaannimo ku dooda haddana waa agmarayaaye
Aayadaha Qur'aankiyo sharciga ama axaadiistaa
Hadba sida isagu jecelyahuu u anbaqaadaaye
Oodduu ka soo jeedo iyo unugga reerkooda
Umaday dhaceen iyo hantiday ku istareexayso
Ay iminka haystaan ka badan ubaxa geedaha'e
Ooryaha la xaaqiyo caruur olol la leefsiiyey
Ama culimaa'udiin dileen ehlu khayriina
Ama weli afduub lagu hayee Agabar loo haysto
Afka ugama yeedhee dhab buu ugu amaanaaye
Tolow mays ogyahay waa kanoo uunku wada yaabye
Mise waa aqoon gaaban yahay wayska amankaage!
Iyadoo intaasuba jirtoo taalo agahaaga
Oo qabiil ku alaa haysta baan cidi ku eedayne
Arli nabada oo dawlado sugay amaankooda
Uu Eebbe ugu deeqayoo mahad Ilaah joogta
Arrin yari haddii uu ka dhaco waa ku orinaaye
Idaacadaha laga baahiyaa idil ahaantoode
Abid inaan taageerin baan la asaraarayne
Nin Ilaah yaqaana khalqiga wayska ururshaaye
Anshax iyo xishood bay cabsidu kugu abuurtaaye
Ummad dhanoo ilaaq iyo dhib iyo anafoo kuu geysan
Ammintii timaadaba hadaad soo asalaad caydo
Gob inshaaradeed baa ku jira adhaxda feedhah'e
Axadkaan xishoon waxa la yidhi ey ka qaab darane
Abshirow is dhowr yaan ibleys Ubo kuu qodine.

Abshirow Guuxi Lagu Toosye – Cabdillaahi Cawad Cige

Tixdan gaaban ee soo socota waa gabay uu tiriryey abwaan Cabdillaahi Cawed Cige oo uu dhextaal uga dhigey tuducda ah Garasho Waayeel, waxayna soo baxday 25kii Febraayo 2005tii, waxa ay jawaab uga celinaysaa Abshir Bacadle gabaygiisa uu ugu yeedhay Gob Cunsuri Ah oo Waxa Tihiin, Ficil Gumeed Yeeshay. Abwaanka gabaygiisu wuxuu maray masaafad aad u ballaadhan, tixdani qaybo ka mid ah ayay wax ka odhanaysaa. Abwaanka waxaa uu iminka ku nool yahay magaalada Lifarbuul ee Ingiriiska.

Abshirow gantaalkaad riddiyo, guuxi lagu toosye
Gun baa reer Isaaq yahay inuu, hadalku kaa gaadhay
Gaashaammo iyo Hawd warkii, geeswalbow socoye
Goonyaha Hargeysiyo Burcuu, galay akhbaarkiiye
Godkii Caynabaa laga maqliyo, go'o dhexdoodiiye
Ilamaa Gebilay iyo Xaraf, gaafahuu maraye
Dadka uma gudboonee tolkay, gocasho qaadsiiye
Guhaad iyo xanuun laga bogsaday, godol ku nooleeye
Sheekadu garqaad iyo ka badan, gabadh difaaceede
In baroortu Garo dhaafsantahay, geliyay maankayga
Anna gabay inaan soo hollado, gaanka igu qaadyay
Afartaas ammuuraha gedmiyo, guga hillaacii dheh
Gacal samo u baaqoo la baday, gacantogaalayn dheh
Gobo' kalena way eray yaroo, garasho waayeel ah
Gal ninkii kitaabka u toshee, diinta garanaaya
Ee ay bulshadu gibil sudhee, xarafka loo geeyo
Dharaartay arrini gaaxsantee, Geer u bixiwaayo
Gamco-siman shareecada inuu, gooyo laga dhawrye
Kol hadduuse xeerkii gembiyo, tiirarkana gooyo
Gole aanu taagnayn hadduu, gar isla soo mooso
Godadkii qiyaastiyo hadduu, male ku goobyaalo
Gudcurkiyo hadduu xaajadii, goorxun socodsiiyo
Sow inuu gurracay talo Islaam, guudka kama muuqan?
Bacadlaa geddaas iyo ka dhigan, garab-ka-fuulkaase
Kunka geeddi sheekada fadhida, godob-ka-qaadkeeda
Waxa adiga guul kaaga noqon, yaa i geliweyday?
Afartaas ammuuraha gedmiyo, guga hillaacii dheh
Gacal samo u baaqoo la baday, gacantogaalayn dheh
Gobo' kalena way eray yaroo, garasho waayeel ah
Haddii gari Isaaq iyo Hartiga, taallo gudahooda
Iyagaa go'aan waxay damcaan, goosan kara taase
Waa niman gefkii dhaca ka adag, inay gorfeeyaane
Haddii taada lagu guuro oo, laysku galo caawa
Gumucaad cabbaysiyo hadday, guudcasdi qaraxdo
Gadhka iyo haddii dhiig la daro, gawsihiyo saynta
Goblan lagu dambeeyiyo hadday,guuldarradu baaqdo
Geyigoo dhan Fiintiyo haddii, galow ka luuqeeyo
Waxa adiga guul kaaga noqon; yaa i geliweyday?
Afartaas ammuuraha gedmiyo, guga hillaacii dheh
Gacal samo u baaqoo la baday, gacantogaalayn dheh
Gobo' kalena way eray yaroo, garasho waayeel ah
Dhankayaga gammaan baa murtida, lagu gardaadshaaye
Garowgiyo babbaaygiyo cuntada, gabaygu maansheeyay
Gelimaayo maansadu dhulkay, gaadhay Bacadlowe
In barwaaqadaas kuu gingiman,lagugu sii gaaxsho
Oo uu Guulle kuu sii burshaan, geynayaa duco'e
Guutooyin baa soo socdiyo, geyshashkii Xabashe
Gaalkaad rag kale taarataa, Gaadhadh soo wada'e
Ninkaad geysay fooqee sidii, aarka kugu guuxay
Geesigaaga oo tuban ninkii, goolka kaa dhaliyay
Gubniyaaba kuu soo melmelan, ganacyaweyntiiye
Guryahaad ku faantiyo dhulkaad, igu gufaynayso
Goofafkiyo xabaalahan lafii, sula la iib geeyay
Geeddiga raggii furi lahaa, godanka soo dhaafye
Sidii guushki loo laastay iyo, Ginigi Nayroobi
Gaajiyo waxay diif qabaan, garanba maysaane
Gallaydiyo badh reeb moofadaa, la isku soo gaadhye
Afartaas ammuuraha gedmiyo, uuga hillaacii dheh
Gacal samo u baaqoo la baday, gacantogaalayn dheh
Gobo' kalena way eray yar oo, garasho waayeel ah!
Godkii aan ku idhi haysku marin,waadigaa galaye
Goosashadan sidii faal cuqle ah, goysay madaxaaga
Go'aankaas bulshadu qaadatee, kuu guntami waayay
Gari kama furniyo xaajo aad, maanta godoshaaye
Gaasira xoraynteed rag baa, iilasha u galaye
Gaasdhegoolihii kacay warkuu, geystay baa qorane
Kala guurnay waa hore haddaad, gaadh is leedahaye
Gudban baynu nahay dawladahan, gobolka uun yaalle
Gacalnimo middaan kuu fidshiyo, geela laba reer ah
Haddii aad ka giigtoo colaad, gaaxsan fidinayso
Intaad guluf Togdheer iyo ku dhaca, Saaxil gocanayso
Dhul aan galabna kuu dudin intaad, geysh u duminayso
Garbahaaga eeg yaan col kale, madaxa kaa goyne!

Gobannimo – Cabdillaahi Cawad Cige

Tixdan gaaban oo magaceeda la yidhaahdo Gobannimo soona baxday 8dii Jannaayo 2005tii, waxa ay ka jawaabaysaa gabayga Abshir Nuur Faarax Bacadle uu ka tiriyay gabadha Hargeysa ku xidhan oo magaceeda la yiraahdo Samsam. Gabaygana waxaa tiriyey Cabdillaahi Cawed Cige, oo ku nool magaalada Lifarbuul ee Ingiriiska sida sheegney.

Gaafimeeray maalmahan sidii, goosad lay yidhi,
Nin uun baa gartaydana ogoo, dedaya uun goore!
Abshirow guyaalladan ma tirin, gabay xidhiidhkiiye,
Geeraar ma soo curin intaan, gudiyay qaafkiiye,
Godka lagu negeeyiyo ka tegay, gobolladiisiiye
Galladdiisa niman baa badshaan, sii guraay idhiye
Waxse maanta igu soo gingimay, maanso gelisteeda
Gujadaada weeyee bal aan, galalka baadhbaadho!
Garta inanta lagu foororshiyo, Kiiskan go'i waayay
Sheekada galbeed iyo Nugaal, gees kastaba dhaaftay
Gasac iyo xumaha lays marshiyo, hadalka geesaasan
Gurrac iyo inuu khalad ku jiro, kuu garawsaniye
Hayeeshee Guhaaddiyo halkaad, gelisay baaruudda
Magaadliyo godkaad taabataan, gocanayaa mooyi
Tolka aad go'aan wada sudhaan, gocanayaa mooyi!
Godobtaad Isaaq taarataan, gocanayaa mooyi!
Lixdankaad ku goobyaashay baan, goconayaa mooyi!
Garyaqaanno loo soo xuloo, geydhka wada taagan
Guddiyada xuquuqdoon mar qudha, goynin hadalhaynta
Gadhcas iyo aqoonyahan shiriyo, ururro guuxaaya
Miyaanaan gob lama caasiyee, gabadha taageerin?
Miyaanaan go'aammiyo ka qorin, xeerar wada geydhan?
Miyaanaan xilkii nala gudboon, garannin dawgiisa?
Gar Ilaah taqaan baa Islaam, gole ka naadshaaye
Garaad diin leh baan kuu maqliyo, Caalin gaammuraye
Misna taadu good iyo ka daran, Cuba ku nooleeye
Iyadoo geyiga aan fadhiyo, culimo guurayso
Oo ay diintu gaashaan u tahay, gebi astaantayda
Gacalkaaga anigoo ah iyo, garabka xooggiisa
Maxaad gaalo ii daba-dhigtiyo, Xabashi gaankeeda?
Gabaygii wadaadkii miyaan, lagaba guuraynba?
Gefka aniga lay bado miyaan, qalin geyaa joogin?
Gobollada isdiidiyo anoon, gelin ammuur sheexan
Dhulkaad tayda geysiyo anoon, gacantogaalaynin
Badahaas guntoodiyo anoon, gaadhin dhagartaada
Taariikhda guunka ah anoon, dib ugu guuraynin
Gelin hore wixii dhacay bal aan, guudmar ugu laabto!
Guudkayga nabarraa ku yaal, boogo gaammuraye
Feedhaha goshayduu damqaa, weli gunaadkiiye
Gurbood iyo dhallaan lama hambayn, gawricii dhacaye
Gabadh ugub ah, oday gaabiyoo, Socodka goynaaya
Gadhcasiyo dhallaan kama ay tegin, gaasaskii helaye
Gooddiga Wajaaliyo, Burciyo, go'o nawaaxeeda
Guudka Ceerigaabiyo, Berbera, godanka Shiikh yaallo
Gabaahiir Hargeysaa la baday, Maalin gelinkeede
Gaal baaba loo soo dalbaday, gelelefkaygiiye
Guullaha Raxmaankaa baxshiyo, Geeljirii kacaye
Inaan gaag ka hadhin baa tashiga, loo guddoonsadaye
Intaas oo guhaad igu dhacdiyo, aafo igu geydhan
Inaan godob ku seexdiyo ma rabo, aano iyo giire
Goosashada adaan Faaraxow, gawska ku adkaynin
Gar ninkii akhriyay waa inu, xaqa ku gooyaaye
Gobollaa israaciyo mar bay, garo irmaanaatay
Waxba beri gu' baa lays ogaa, gaawe haw culanne
Godkaas waxa fadhida xaajo aan, laga geyoonayne
Laba gudub ahaatoo tolnimo, guudka ka wadaagta
Geelaaga oo kuu tarmiyo, kayga garabjooga
Gacal, gacal hantiyay ay farxadi, Gunudday laabtiisa
Gobannimo bartaasay jirtaa, garashadeed qaado
Geeraarka maantana waxaan, talo ku soo gooyay
Gacalow ha marin surimadaad, gabayga qaadsiiyay
Anna gocasho taan qabo xumaan, ha igu gaadhsiinnin.

Gefka Bacadle – Mubaarak M. Nuur

Waa tix gabay ah oo jawaab u ah gabaygii uu Abshir Bacadle u tiriyey Reer Soomaalilaan gaar ahaan beelaha Isaaq, taa oo la magac baxday Gob Cunsuri Ah, waxaana tixdaan mariyey abwaan Mubaarak Maxamad Nuur oo deggan Swiiden.

Maansadu ged bay leedihiyo god iyo miisaan
Abshir gabay gartana meel ka dhaaf godobna meeleeye
Intii garashadiisii ahayd guuroow soo mariye
Gadhna waa ku yaal aadanoow waana ruux gudhane
Garaadkiisa inuu soo hadlaa waa gun shuqulkeede
Gefka dhacay haddii uu ogyoo uu ka gubanaayo
Oo giir Islaanimo ku yaal kana garaabaayo
Ama gabadha meel looga dhacay xumana loo geystay
Samsam adiga inaad guursataa kula gudboonayde!
Guurtida Isaaq waa taqaan xaajadii gudhane
Bari iyo galbeed uunka way kala gar qataane
Hartiga wayna kala guursadaan kalana goostaane
Gelbis iyo mashxarad bay hablaha ugu goleeyaane
Gaaf weyna waa loo sunta aqal leh googoose
Gulufkiyo colaadana mar baa la isku gooyaaye
Markay goorta culus taagantee lagu galaayuuso
Ama geel ninkii lihi ka hadho gaarna uga leexdo
Annagu goobta lagu hoogo baan guula dhalinaaye
Adiguna libtaan gaadhno waad nooga gubataaye
Waxse adiga gaax kaaga noqon baana garanayne
Ha yeeshee gamuunkaad ridee dunida gaadhsiisey
Ee aad geyiga aanu naal nagu guhaadaysey
Iyo nabaradaad geysatiyo guluca aad reebtay
Gurigaad degtaan waa ku caan labada gooroode
Masjidyada kuwii ugu galee dumarka gawdiidshey
Ee Eebbe gooyee jaraa gacal wadaagtaane
Gaalgale wixii lagu faliyo xumihi loo gaystey
Waa kuwaa Majeerteen u galay galablahoodiiye
Gendhenshe iyo Shikhaal hablaan ganac u noolayne
Biyamaal sidaydun u gasheen xaasas baa gudhaye
Garraha iyo Jiiddadu sas bay idinka giigaane
Habargidir waxay geysatiyo gani Abgaaleedku
Ee dumar gabood loogu falay kuma gubtaanyayne
Gondhahaaga bay taal waxaad nagu gelaysaaye
Geeraarku wuxu daaran yahay waan gabyoo qudha e
Maxaan ararta kuu soo godlaa noqotay beyd gaabe!
Afartaa gefkaad geysatooy gole ka muujeen dheh;
Xaqiyo diinti aad gaasirtoo gooni kuu xidhay dheh
Sheekadaad gadaanka huwisoo timi galkeedii dheh
Galladaha Ilaah baa baxshee garshadaydii dheh
Nin baa ararta gaasira intuu geed ka toocsade e
Erayna waa gubtaanyada jirtee balan ku gaadhsiiyo
Gurigiisu nimuu baylahyoo gebi ku soo ciiray;
Inuu fara geshaa aqal nin kale lama gudboonayne
Inaan kuu gurmado baan jeclaa kuna gargaaraaye
Adigana gu' baa kuu kordhaye garasho waa maafe
Markaad geed u socon weydey ee aad is wada goysay
Eed dawladnimo gaamurtiyo qiimo garan weyday
Ma geesigii kaa dhashaa gacal leh hiil waayey
Wataa gobolladaadii Amxaar soo galaa baxaye
Kii shalay ku gubay baad u tahay weliba gaadiide
Gurgurshaa sidii buu ku raray kuna garaacaaye
Ood weliba gooh dheeryahood sii gunuuniciye
Qoom aan is gaasirin Ilaah ciida lama goyne
Gabay kuuma eegayne waad soo gashoo timiye
Gedii neefka gawracan ayaan waaban geedaha e
Gal dad liqa ninkii garanayaa ways yar gaabshaaye
Adna gees adoon deyin ayaad baxar gelaysaaye
Ood weliba ceeb geystaa aan garow wadane!
Afartaa gefkaad geysatooy gole ka muujeen dheh;
Xaqiyo diinti aad gaasirtoo gooni kuu xidhay dheh
Sheekadaad gadaanka huwisoo timi galkeedii dheh
Galladaha Ilaah baa baxshee garshadaydii dheh
Nin baa ararta gaasira intuu geed ka toocsade e
Erayna waa gubtaanyada jirtee balan ku gaadhsiiyo
Taariikhdu galahay lahayd galaba tay joogtay
Iyo waayeheedii gurmaa kala gol roonaaye
Ninba tuu ka geystay iyo intuu goostay midhaheeda
Haddaan kula gudiyo anigu waan kaa gar helayaaye
Weligaad guhaad baad qabtee waanad garanayne
Gaajaa dhurwaa ugu baqtiyey geli cadaade
Haddaad ganac ku hays aan dhul kale ugamad guurteene
Guud cadaaga baahida qabiyo sebiga goohaaya
Galgaduud haween kuma gam'aan dhawr guyoo tegeye
Haddaad geel u haysiyo waxaad gaawe ugu maasho
Macaluushaad kaga goyn lahayd gabanadaadiiye
Imikaad gawaanaha qodaa goon ka dayataaye
Annaga kii gabiilaa guryaha guule noo dhigaye
Batroolkiina waa gaagsan yahay goola ii qalane
Marsadiina gaadiidku ways gudub maraayaaye
Abshiroow maxaan Xamar gocdaa garaw ma beertaane!
Waxba arartu yay ila gudbine waxaan ku soo gooyey;
Haddii aad gantaal haysatiyo gumuca baaruuda
Amaad Gaanni iyo Ina Siyaad god uga soo yeedho
Ama duul guraangura kun goor la isu soo geeyo
Gashigayga waan raadsadaa guran aqaanaaye
Bal inaad garqaad leedihiin ama garowshiiyo
Gu'gan maanta aan eegayaa garashadiiniiye
Arrintani inay tahay go'aan idinka soo guuray
Oo gabayga loo wada dhanyoo la isla soo guulay
Iyo inuu ninkaa gaar ku yahay gulufka reemaaya
Hawiyoow gudoon baan rabnaa gooshka maanta ahe
Labadaa miduun soo galoo golaha soo jooga
Welibana duqaa geed ku xidha maduxu gaashoobay!

Ha Ku Digan Sheekhaa Addimay – Barre Ibraahim

Gabyaa Barre Ibraahim ayaan halkaan jawaab u tiriyey niman ay isla beesha Mareexaan isla yihiin oo weerarey Abshir Bacadle, laakiin Barre Ibraahim oo muujinayo inuusan arrinkaa la qabin nimankan beeshiisa ah, balse uu Abshir ku raacsan yahay fikradda uu ka qabo isku qabqabsiga deegaanada Jubbooyinka iyo arrimaha murugsan ee dhextaal beelaha wada dega halkaa. Tixdan waxay si toos ah oo khaas ah ula hadlaysaa ninkii usoo gabyay Abshir Bacadle iyo inta la fikirka ah, tixdina waa tan:

Deelayda gabay waadigan door ka garanaynin
Waakaad daliilada rag kale daabac rogataaye
Adaa dool ku soo galay dhul kale oo haddana doodi
Damaciisu baasaa indhaha duubka laga saarku
Dibjirada Marreexaan hadmay gabayo daadsheen
Goormay raggii diinka baray doqon ku sheegeen
Waan dabaal dhuflayn gabaygu ee yaana kugu daalin
Waxaan uga duleeyahay hadaan idin dareensiiyo
Haku diganin Sheekhaa addimay daacad hadalkiisa
Ee sheegay suu dawgu yahay duhur dharaareede!
Dulmigaad carriga daadisan wali la daawayne
Caydiid hadduu diiday yiri inaad dul saaraato
Ma duryami sidii geel dhurwaa didayay goor baas
Ogaadeen-kaad Daaroodsatee doqon ku sheegayso
Ee dakadihii uu lahaa damac ku qaadayso
Ma dacaayad baad kaga hor tagi soo dakaan celinta?
Haddii uu dalkii uu lahaa kaaga dacareeyo
Ma daruuso beenaad akhriyi iyo duruufaysi?
Haddii aad ka duudsiday in badan duulkan maqashooda
May nagaysku dada baad ku odhan waa dig iyo yaabe?
Hawiye-han aad daarteed ku tidhi wayna dabar goyn
Sawkay dorraad ku qabteen dagal Kismaanyood
Markii aad dhulkii wada dubtee dhuxul ka daaguugtay
Ee aad dugaagtii idlayd Dubay u iibgaysay
Inaadan deegaan ahayn duulku wada yaabe
Ka damqade raggii daaqi jiray dooxan aad shidatay
Danbigana adaa qaadanoo waa diwaan qorene!
Hadaan maanso deelaydan wacan dib ugu soo laabto
Diin Islaam markii laga hadlaad diba jaleecdaaye
Dariiqada Rasuulkana adaa diiday waa hore e
Sawdigii dorraad uun daldalay culimadii diinta
Sawdigii dalkeenii wacnaa dumay ee laagay
Sawdigii adoo duur ka yimid Janan laguu doortay
Sawkaad qabiil laga daqamay dib ugu soo laabtay
Sawdigii dad Soomaaliyeed didiyay ee laayay
Sawdigii ku daabulay xabsiyo daxalmadoobaaday
Daarood maxaa kaaga xidhan waa duf iyo
Ogaadeen adaa doontay dumayay weelkooda
Qorraxay dilkiisii miyaad daalac bahalaysay
Majeerteenka sawkaad dulmiday duhur dharaareede;
Adoo Sade ku taaq taga in badan dunidan aan joogno;
Kablalax dihina baa soo fakaday oo duubab wada qaatay
Dagtaa iyo dagtaa bay ka imin sida daruurtiiye
Sidii daad mahiigaan watay dunida maanshayne
Waa deeq Ilaahay baxshoo diiday may odhane
Ka digtooni feedh duuban baa dayrka soo xulaye!
Damacaagu meel foolxun buu kugu daheeyaaye
Dagganow intuu Eebbahay duni kaa siiyay!

Garashoy Yeelkeed Dheh – Axmed Aadan

Gabayga soo socda waxaa mariyey abwaanka yar ee lagu magacaabo Axmed Aaden oo ku nool Kalgari, Kanada, wuxuuna tiriyey 26dii Febraayo, 2005tii. Abwaanka waxaa ku dhaliyey inuu curiyo tixdan jawaab gabayga ah markii ay soo gaartey gabay uu tiriyey Abshir Bacadle oo uu u arkey in Abshir beesha abwaanka meel uga dhacay, taana waxay noqotey mid u cuntami waydey abwaanka, sidaa darteed waxaa uu mariyey gabaygaan oo jawaab u ah maansooyin isugu jira gabay, geeraan iyo shirib uu Abshir Bacadle u soo mariyey beelaha Isaaq.

Ma gabyo ma geeraaro mana guuraabo
Hayeeshee goor dhawayd bay igashay tixdaan gabay tuducsiine
Gudgude roob sidii maw gabogabeeyaa
Ma gan ganaa hageeyeen geestaa ogdheeriyo gobol Hargaysaade
Gunburaha bankiyo sudiyo gaaroodi
Gabiilay korkeediyo intaa gubano daaqaysa
Guudkaa sanaagiyo garadag Cayniyo godonka Ceel-Afweyne
Qolyaha geerisa afkeeda yaaliyo beeshaa saraar godan iidoogsan
Inta gu'gii hawd u baxdee galool xagar leh dheehanaysa
Gadhkayogolka sayliyo aroor surimada geeri
Golis geedka ka bixiyo gobabkaa hadhweyn herer gudaheeda
Haradaa garduuriyo inta gal saxar geela ku horjoogta
Ee guba laga tirshee laga gayoonwaayey
Saw geesinnimo aan ku dheerihiyo garashaday maaha
Afartaa gigsiiyaye maan kaga gariirshaa
Afar kalena way in guntaniyo gelin kaloon dhawri
Gabayaagu geestayaduu ahaa geeraarshawguye
Godkii Ina Jadeeriyo Aflaw maan gabay ku guuraabo
Guba tuu Salaan ka tirshayiyo geeraarkii Faarax Nuur
Geedka maan ugu golo goleeyo gabaygan
Cumar Usteraaliye geelow marshiyo milgihii gabyaaye
Gaalodiid Cali Jaamac miduu ku gowracay tuuggii reer Xamare
Galkuu ka daray Qaasin gabay gulufkii Yawliyo gawdii Dhirbaaxe
Ka gariirshe Timacadde guuxii Qawdhaniyo guhaadii Dalaayad

Garnaqsigii Ina Gahayriyo kolay ku tahay deelayduu gunaanaday Iidaane
Gabay mujaahidlaha Hadraawiyo Gaariyiyo
Inta gobaad u kacay gabannada soo yeedhi!
Giddigeed Soomaaliweyn gurigaygaa laga marshaa gabay ahaantiiye
Intaas oo gabyaa caana baa gocosho ii diideye
Kolkan maan u quus gooyo gadhyarahan Xamar ka geeraaray
Gabaygaagu Abshiroow waa yootan geeljire e
Gaf inaad naga gashay ood nagu geeraari
Oon garawshiiyo loo ogayn xaajo laysugu garaabo
Gardarro adaa noogu yimi gaf aanoo gayigiina noo ool
Gun inaad ku tidhi guurtida reer Sheekh
Oo gob baad tihiin na odhan haddana yara gumaysan
Gobannimiyo gunnimo miyaad guri isugu gayn
Sidee garaadku kaa yahay maandhoow garashadaada
Waa maxay gunbaad tihiiniyo haddana gobaad tihiintan!
Geesaha iskula jirtee is garabgoryeynaysa
Sidii goosan adhi oo guduudane gilgilay armuu
Arrinkaaga gunta dheeri kaa noqdaa garashooy yeelkeed dheh!
Hartigaad gargaarka u fidin isagay u taal hadduu kuugu garaabaayo
Geelahase Jabuuti iyo waxaanad gacaylkay u soo qaadin
Waa laba guroo is xiga oo gumaysi kala gooyey
Haddaan goostay goobtaan fadhiyo saw ma gobonnimo dhashan!
Miyaad gacan ka gaysatay adaaban gobonnimo kuu horseed ganaye
Inaad gaalo nagu sheegtaan gama'a ii diidye
Hayeeshee ciduu Eebbaheen gacansiiyey ee gobonnimo kusoo ceshay
Gayigan midhaa saw ma aha gaarka isu taagay
Calan Tawxiid loo guntiyey inaan guddoonsanno
Gartu saw garashadayo maaha iyo gargaarka Raxmaan
Idina calan geeso leh ayaad sidii Iblays sujuud isugu gaysaane
Garta Ina Sanweynaa loo geysan jiraye gaalnimo keeneebaa u dhaw
Garanwaagu kaa uu soo marshay garashooy yeelkeed dheh!
Diinta aakhirsaman soo gashay ee gaalku ka danbeeyo
Ee Muslinkii lagu lugooyeyba garanayo maanta
Inay gaabis soo noqon siduu Rasuulku noo sheegay
Ooy toddobaatan guudkawga bixi gaalnimo agteeda
God qudhaa ka saxa waxa boholo soo gudban
Galay ana kaasaan garanaynaa weeye
Gabyaa afhayeen inaad geeskaa ka tabay garta isugu gooysay
Geeridii Cigaal hadduu Tigraygu tacsiyo geeyo
Waa garasho aan ku dheerahayiyo talo gobsanaantayda
Adna in gudin iyo warmaha godan laguugu soo afeeysto
Waa garaad yaraantaa iyo talo guracnaantaada
Gole Amxaar gaal madaw iyo kumaa doofaareey gogal loo dhigay
Guutooyinkaa Tigraha kuwaa Goday ka soo jiidaaya
Gilinsoor kuwii ku korayiyo go'e saw gurigiina maaha
Goor iyo ayaan gaaljecelnimadu saw taa gama idiin diiday
Galawgaa ka ciyey garashooy yeelkeed dheh!
Gadh u ciil qabaa jira guba iyo wixii gabay la geeraarshay
Waatuse guddoonsaday Salaan guushuu lahaa gabay ahaantiiye
Adna waxa ku gubayaan ogahay gabay yaraantaada
Waxba hay guudmar laynine keen gundhigaaga oo
Gabadha yarta ah gacalow soo dhaaf gocashadeeda
Gadhkaan quus aqoonse gadhquus inuu noqdo gari saw maaha!
Ku galgalo Hadraawaad istiri Gaariye iyo Qaasin
Ganay colkiisiyo waxaad gabay ka doontay gabanada jooga
Ha ka yaabin gabyaa hore nin ahi inuu gabay jawaabtii kuu marsho
Gadaal uga baydha duqa hay guufanaysnaadee
Oo gelinba nin yari haygu gabay bartee daaya
Golis Kolej kaalayoo ku baro gabay gayaankiisa
Ama Gaariye Camuud ugu tag golaha suugaanta
Hadduu gabyaa hore nin ahi jawaab diiday gabaygaaga
Gedgaa miyaanu cunsuri ku noqon garaadlaawennimadaada
Ku ganbiyay kolkee garashooy yeelkeed dheh!
Ceelashaan gudhaynini saw qubays koluun kuuma gaadhaan
Maxaad garbaha hoostooda u qoysaan isu qadhmuun goynta
Gartu saw maaha guud ahaan jidhkuba in la uskag gooyo
Guryahii Xamar dhaadheeraa ka goostaye ka dhigo god Mad-har
Gasiinkii beeraha ka baxi wabiyada sawtaad gaanjoda ku beertay
Degmadaa Gabiilay baa iigu filan garaw gasiinkiisa
Gasiiradaha Carbeed waad ogtahay midho guudkooda ka bixin
Haddana waad garan waxa midho gadaankooda sudhan
Gini baan ku gadan geedihii cambaha lahaa gabi ahaantoodba
Afarteeda gees dunida ganacsi baan gooshaa
Nin ragi wuxuu galiyo hay yeedhin tuu gudo
Nin abaal gala inaan ahay daayin kaw marag gala
Meel la iigu gudayse mahayo gabi ahaantiinba
Wixii Soomaali gobannimo lahayd guudka yaw tidcay
Gogosheedu saw tan golayaashayda taal garmoognaantaada
Gu' wayn inaad jirtoo gadhku ku ciraystay
Ood nolosha galinkeedii danbe galbis ku tahay
Garaad kaaguse gaabisiyo gocosho mooyee
Miyaan geeda kale ka gu'in magane guudkaaga!
Tixday gabay waxaan ku soo gooyn
Gobta Reer Sheekh Isaxaaqiyo guud ahaan gobi dunida meelay joogto
Wixii kula garaado ah ayaa loo marshaa gabaye
Mooryaan gadhle maxaan uga gabyaa saw la garan maayo!
Waxaanse odhan gocashadeed dhaaf waryaa garashadeed yeelo
Oo ninka Xamar ka soo geeraarayaw garashooy yeelkeed dheh!

Ugu danbeyntii abwaan Axmed Aadan wuxuu ku soo gabagabeeyey dooddiisii suugaaneed hal tuduc oo Alle tuug ah sida ay tahayba:

Allahayoow noo danbi dhaaf adaa sadriga daalacdee.

Dib U Goco Abshirow! – Cumar M. M. Baarqab

Gabayga soo socda waxaa mariyey abwaan Cumar Maxamuud Maxamed oo ku magac dheer Baarqab kana mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool. Cumar wuxuu doonayaa in uu halkaan ku soo bandhigo gabay jawaab u ah gabaygii abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, gabaygaas oo magaciisu ahaa Beel Yahay Gadoodayoo Go'daydoo Gabar ku Ciil Beeshay, abwaanka oo ujeeddadiisa iyo dareenkiisa suugaaneed ka hadlaya waxa uu yiri:

Abshiroow gabaygu mar buu kula tagaa godobna reebaaye
Nin walibana garaadkiisuu hadlaa garasho waa meele
Gefefkuna mar bey kaa dhacaan adoon u guuxeyne
Marka hore dib uga guro xumahaad galisay taariikhda
Maanso waan u guuxaa in badan waan gareysnahaye
Hayeeshee gabyaa sare waataad aheyd gu' iyo jiilaalee
Faysal ku gaar yeel xumaha intii geysatuu qabane
Reerahana ha kala geyn sharaf baa loo guntaa xarige;
Gobtu ways taqaan ragoow gees walbood eegto;
Nimuu walaalkii ganahayoo gees u riixaayoo
Ama uu garbaduub intuu u xiray geeyay meel geesa
Ogoow mar buu gacalka dhaamaa gaalka aad sheegtay
Gundhiga iyo ujeeddada haddaan qalinka gaarsiiyo
Gartu Allee taqaannaa goor kastooy tahaye
Gilgishaye aan ku faro xaal inaad geeyso
Gob iyo gaan geetahoon isqaban wuu i gali waayay
Ninkii gafa lama daba galoo looma guumeeyoo
Guushuu kaa heelaa markaad gumuc ku tuurtaaye
Sidii godka loogu rido amase loo gaado
Maskaxdaa go'aan laga dayaa gama'a how diidin
Intaa waan gorfeeyaye mid kale iga gudoon maanta
Guri wixii soo dumiyo dhibkii Soomaali kala gaaray
Abshiroow gu' iyo deyr wixii lays gumaadaayay
Gandhari wuxuu hooya dilay Isaaq wuu ka gaar yahaye
Sharaf buu gobal iyo dhuulkii goostay kaligiiye
Innagaa is gooynaye raggaa yaan la gaaxine
Godobteena aan dhaqnoo tolkeen yaa la sii gubine
Geesi wuu garqaataa kolkii dagaal lagaga guuleysto
Adiguna gaddii lagugu yiqiin waad gadaal dhaaftay
Gumaadkiyo xasuuqii miyaad garasho beel gaadhay!
Reer waqooyi haddii lala garamo ama garaab yaalo
Inagaa gumeeynoo colaad geesta kala raacnay
Nin walboo gorfeeyana gardarraa geesta naga taala
Waagii baryaba raggii taangi lagu garaacaayay
Koofur oo gurmada dadkaan geynay xeradooda
Inaan wali u sii goodinaa waan ka gaabsadaye
Lixdankii ummad gees aheyd gacal ku soo maagay
Oo gogoshaadii kuu yimid calanna kuu geeyay
Oo aan abaal kood la gudin lana garafeeyay
Inaan wali u sii goodinaa waan ka gaabsadaye;
Faysal god iyo qool hadduu mool is galinaayo
Garaabada iyo ninkii la qaba madax garaaciisa
Isagaa goor danbaba ku dhici hadaamuhuu maanta goobaaayo
Beeshase in loo gudbaa waan ka gaabsadaye
Goos goosan meynee khabiir soo gubtaad tahaye
Aniguna haddaan soo galoo waan gardaadsadaye
Dib u goco Abshiroow wey gudboon tahaye!

Dabato Weeyaan – Maxamuud A. Colaad Filig

Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan Maxamuud Axmed Colaad Filig, wuxuuna ka mid yahay gabayada af-celinta ah ee ku socdaa Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle, gabaygana wuxuu ku bilowdey sidatan:

Abshirow daliil gabay haddan deelka ka hinkaadsho;
Deelqaafki aad tiri haddaan dood yar ka iraahdo
Anigoon dambaabaynin baan kuu dulmarayaaye
Marreexaanku dooxadajubbu dagin u yaalaaye
Duulkaad ka sheekaysay bay daris wadaagaane
Deerkaa u kala rogan Absame taniyo Dowlowe
Doqon-diide iyo Cowramale Dir iyo Shiikhaasha
Mushunguliga deexdiyo Hartida duq iyo waayeelba
Dugaag mahan oo ehelnimaan kala dugaalnaaye
Diiraro anoo joogo iyo daawo iyo gowlin;
Digaal iyo anoo dowmacaan dalab ku maalaayo
Dooyaan ku tagi meelkastoo la iga doonaaye
Daaroodku waa wada dagaa doolo iyo howde
Danihiisa uma sheegi jirin dayday iyo tuuge
Waxaad adigu ugu duubatiyo Daahir garan waayay!
Dowladnimada maantay dhacdee daqaydu naafowday
Dooxatadu markay soo gashee dumarka laynaysay
Dab inaad ridaysaan maqloo dirirtay waagiiye
Mooryaan inaad dabagashaan daabaceed helaye
Shaydaan nimuu duufsadoo daacay baad tahay
Darsin dhigo islaanimadi baad darafka joogtaaye
Nin ku dilay markuu diyo baxshaa la iska daayaaye
Isagoo dabaabaadki iyo danabki heegeeysan
Hadduu duubcad kuu soo xirtaa digasho weeyaane;
Duulaanka Xamar waa qabiil loo durbaan tumaye
Adiguna danaanaad u tiri nimanku waa doole
Ama doollar tobanhaad cuntood u digrinaysaaye
Daroogada cagaarani aday daawa kuu tahaye
Adaa deeq Ilaahay u qabay dahab islaameede
Guryahoodii kuwaad diirateen dabato weeyaane
Hiiraale niman doortay buu daaci u ahaaye
Isagoo dadkiisii watuu duulan soo kicine
Damiciinu wuu guri haddaan moodku daqarayne
Dayniile iyo Dari wanaag looma daadihine
Dakadoodi waa laga xiroo looma soo dagee
Digniin bay baxsheen oo hadday dirir u joogaane;
Haddii aad Daraawiish tihiin diinta u adeego
Oo aan dakanadii horiyo xumo la daacaynin
Cirfe maxaa dikee loogu yiri wabiga daaftiisa!
Dhuxulow dariiquu xirtiyo Yuusuf dabinkiisi!
Maxaa loo dulmaray waan ogeeyn dacatigoodiye
Dambigay galeen ma adinkaa daahir uga yeelay
Shariifkuba dadaal iyo wanaag buu dalbanayaaye
Danihiisa inuu khayr u huray baan daninayaaye
Waxse dilay rag diriqsanahayiyo ducuful iimaane;
Haddii diinta Eebbahay sharciga lagu dabaalaayo
Oo daalimiintii dhulkaan laga dul qaadaayo
Maandhow maxaan diidayaa daraja weeyaane
Daaraha Shabeeliyo intaad dagalka meereeyso
Dukaannada Ismaaciil inataad laba diblaynayso
Dalaggii agoontiyo intaad daaqa guraynayso
Tunni duunyadeedii intaad darar ka maalayso
Diriciyo cimaamaduhu waa dac iyo ciideede
Ka dabaasha adinkaa xumaan diin u qaayibaye!

Hargeysaay Maxaa Xaqii Idiin Diiday?

Abshir Bacadle 3dii bishii Nofember 2006dii, isaga oo ka sheekeeyey sababta ku bixisey gabayga soo socda waxa uu yiri, “Waxaan aad uga xumahay in mucaaridkii maamulka la baxay Soomaalilaan ay u hadlaan sida maamulka Riyaale oo kale, iyo sidoo kale in culumaa'udiinka Soomaalilaan ee bayaanka soo saaray dhowaantan ay markii la su'aalay dastuurka Soomaalilaan ma waafaqsan tihiin ay dheheen waan waafaqsannahay, sababtoo ah isaga ayaaba dhigaya in shareecada Islaamka wax lagu xugmiyo, su'aasheyduna waxay tahay maamulka Soomaalilaan ma shareecada Islaamka ayuu ku dhaqmaa oo uu hadda ugu xiran yahay Sheekh Maxamed Ismaaciil?” ayuu yiri Abwaan Bacadle oo mar kale su'aalay culumaa'udiinka Soomaalilaan, “Maamulka Riyaale weligiis ma fuliyay hal xugun oo qisaas ah ama rajmi ah, illeyn aayadihii lama nasakhine, mise waa la jiifiyaana banaan, la joojiyaana banaan oo dowladdu waxay sameysaba waa sharciga Islaamka?”

Hargeysaay habaar baad qabtaa waana la hubaaye
Hoodiyo nasiibkaagu waa holacya baaruude
Helina meysid towfiiq intaad Diinta hororeysid
Waa hiil madow iyo hulaaq hoos ka maaruqaye
Halkii diinta lagu caayo waa laga hijroodaaye
Biyana lagama helo tacabna waa laga habaaraaye
Hoggaan Diinta neceb culumadana laga horeynaayo
Hawaayadiisuney tahay kufriga inuu u haanyoodo
Oo Diintana hagrada Diimuqraadigana u heelan
Hootada Carsaa'iil ha sugo hoos madoobuhuye
Kuwii howshan baray meesha waa kaga horeeyaane
Hargeysaay nasiibkaagu waa holacya baaruude;
Hunduuga iyo Singuhu ammaanbey ku helayaane
Ninkii hiil Ilaahey ah baa lagu hujuumaaye
Habkii Guwantanamoo kalaa hibo laguu siiyay
Helina meysid biyaad ka harqatiyo hogol daruureede
Hoggii culumadaad noqotay iyo god iyo haadaane
Hidda raaca nimankii Bilaal hoojiyaad tahaye
Hargeysaay haddaad culumadii weli ku heysaaye
Adoo gaal u hiilinahayaad dhiig ka halac siisay
In Kitaabku na hoggaamiyaad ka hortageysaaye
Habaar qabuhu daaquudki buu kugu horeeyaaye
Inta culumo la huruufayo oo lagu hajuumaayo
Wallee ineydnan nabad heysan weyku hambalyeysiine
Halkaa Sheekha uun-bey nafluhu idinku heystaane
Boqollaalo ka horeeyey baad godad ku heysiine
Oo dhiiggoodi ay ka harqadeen howlwadeenaduye
Oo heyre Buush iyo Melez ku hanbalyeeyeene
Oo aad hilibka culumada dhaqaal uga heleyseene
Wallee halis waxaad ugu jidhaan hoogi reer Saba'e;
Harqinta dhiigga culumada rag badan bow hamuun qabaye
Halkii ay mareen baad dhowaan hor u tegeysiine
Sidiinaa ayagoo u hadlayaa hoos Alle u dhigaye
Immisaa haalig dunidaan ka tegay hoos madoobe ah
Culumadii Hargeysoo go'aan hagarle soo saaray
Oo Bii.Bii.Sii ka hadlayoo dowladda u hiishay
Dastuur Diinta hoojinahayey u hambalyeeyeene
Kitaabkey nagu hagaan bey dheheen howlwadeenaduye
Caamadii halaajiye raggii ka hadlay Reediyooga
Hadalkii Sheekhu dowluhu rag buu geliyay haadaane
Dastuur Diin hoggaaminahayey u hambalyeeyeene
Oo hilibka Sheekh Maxamed bey ka hadli waayeene
Oo woow hoggaansameen ra'yigi howlwadeenada'e
Hargeysaay haddaadan iska qaban tobanka hiiroole;
Dul cad iyo Hartii Sheekh mar kale waad u haajiriye
Kuwani heysan maayaan kursiga waana la hubaaye
Culumada Hargeysaay maxaa xaqii idiin diiday?

Duulaanka Xamar – Idbac

Waa gabay uu mariyey qof magaciisa ku sheegey Idbac, 5tii Nofember 2006dii. Gabi ahaanba gabaygaan gaaban waxaa uu lid ku yahay Abshir Bacadle oo ka careysiiyey dad badan oo dega Soomaalilaan, abwaanka maansadan curiyey ayaa ka mid ah dadka Bacadle ka caraysiiyey.

Dowladnimada maantay dhacdee daqaydu naafowday
Dooxatadu markay soo gashee dumarka laynaysay
Dab inaad ridaysaan maqloo dirirtay waagiiye
Mooryaan inaad dabagashaan daabaceed helaye
Shaydaan nimuu duufsadoo daacay baad tahay
Darsin dhigo islaannimadi baad darafka joogtaaye
Nin ku dilay markuu diyo baxshaa la iska daayaaye
Isagoo dabaabaadki iyo danabki heegeeysan
Hadduu duubcad kuu soo xirtaa digasho weeyaane
Duulaanka Xamar waa qabiil loo durbaan tumaye
Adiguna danaanaad u tiri nimanku waa doole
Ama doollar tobanhaad cuntood u digrinaysaaye!

Aflagaaddo iyo Cay – Abwaan Kaarshe

Inkastoo Kaarshe ka soo jeedo degaannada Soomaalilaan haddana isagoo ka xun gabaygii hore oo Yaasiin Ismaaciil jawaab uga dhigey Bacadle ayuu waxaa uu mariyey afareeydaan soo socota:

Abwaannimadi aasaasiga ahayd; Eedday sharaftii dheh.
Asaraarka waxa uugu wacan; Aarsigaa daran dheh.
Waa in eedda layska dhaafaa; Adeer oohintiyo cayda.
Irkashadu haddii kale luntoo; Odaxi taabkeentay.

Intaa kuma ekaanin Abwaan Kaarshe ee markii ay u timi dhaliil ayuu wuxuu tiriyey geeraarkaan:

Gacan qabashadiiyo
Qaskii iyo xumaantii
Qool beynu galinee
Intaan qaatey anniguye
Adna qeybta kala raro
Qabri baan ku tuurnee (qabiilkii)
Qof waliba wuxuu
Qaban yaqaanaa
Loo soo qadimayaa.

Gees Isugu Bayra – Daahir C. Maxamuud Daylaaf

Gabi ahaanba gabaygaan waxaa uu qayb ka yahay gabayadii abwaanada isu dhaafsanayeen arrinta ku saabsan Samsam, waxaana maansadan curiyey abwaan Daahir Cabdulle Maxamuud Daylaaf oo jooga dalka Swiiden, wuxuuna abwaanka yiri:

Abshir gabanta guubaabaduu ugu garbeeynaayey
Gaddii fidisay oo rag badan gacantogaaleeye
Kuwo aan giriifana arkoo weer xun soo gamaye
Ninkastana garaadkiisa hadal garasho yeelkeede
Geeraarna waa lagu nastaa lagu gareeystaaye
Taariikhda guun ka ah ayaa laga gunteeystaaye
Mar hadduuse xaafado galfado amase xeer gooyo
In lagaba gabsiistaa habboon laga gedoodaaye
Anna waa geddeeydii inaan dood ka qaybgalaye
Afkoodii intuu guran yohoow gees isugu bayra;
Ragga gabayga godob weyn ka galay gabadhu waa gaare;
Ee gorofta ceebeed sitee meel kastaba gaarey
Ee gudoonka Soomaalilaan wada garaafeeyey
Iyo kii inuu goosto raba gacalna dooneeynin
Gebigiin shirkad wada noqdoo gees isugu bayra
Rag hadduu dagal kama gudbee jeer iswada gaado;
Oo guluf colaadeed fardaha leysku wada giijo
Ee gumuc rasaaseed barqada leysla wada goobto
Si kastoo qolo loo gabadey geeridood badato
Waxay guushu raacdaa ciddii la gardarreeystaaye
Kuwa samaha laga guuriyoow gees isugu bayra
Gablan talo adduunyaay waxaad gebi dhacleeysaaba;
Waxaad gole xun Soomaalidii gabal ka tuurtaaba
Oo goosan keedii batoo qaar la sii gadaba
Mar haddaay birma geeydadii daniba kuu geeysey
Oo inaad agoon goowracdaa kula gudboonaatey
Adigiyo intii godob qabtaa gees isugu bayra!
Goorka hore sideedaba ibtilo waa ay gama'daaye;
Maruun buu habaar qabe gujaa oy galgalataaye
Kolkaasbeey gaaliyo Islaam gebagebeeysaaye
Maantana ragbaa eed ka galay oy ka aar gudane
Intii godob agooneed qabtaay gees isugu bayra!
Wax la yiri gaannari dhergood gowska dhuxul mooddo
Oo gacan ku dhiigle ah haddaa illee waad garane
Oo guunka ugu weeyn fitnada taagan garabkiisa
Ayaa ugu garfiicnaa yartaa guurtigii xiraye
Goobtaa intii joogtayeey gees isugu bayra!
Waxan uga golleeyahay haddaan soo gunaanadaba;
Sheekada gunteedii ayaan kuu gadaal dhigaye
Intuu inanta gafanuhu ku cuni jeelka gudihiisa
Ameey gocosho awgeed ilmada gobo ka siineeyso
Kii dhibkaa u geeystana aduun cidi ganaaxeeynin
Ee isgodo kolkuu soconayee garabka laalaadsho
Danbeey maanso guba iyo u noqon cigalle googaaye
Intii godob agooneed qabtaay gees isugu bayra!

Haddaad Guluf Abaabuli Lahayd – Maxamed Xirsi Guuleed

Gabaygan waxaa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed 2005tii Jannaayo 13ki isaga oo kaga jawaabaya tixdii Abshir Bacadle ka tiriyey qaddiyadda Samsam Axmed Ducaale. Maxamed Xirsi wuxuu la qabaa Abshir Bacadle damqashada uu ka damqaday dhibaatada haysata gabadha Soomaaliyeed, laakiin wuxuu saluugay sida uu abwaanku u weeraray ummad dhan oo aan dambi qaybsan karin. Wuxu yidhi:

Abshiroow gabyaa caan ahoo garashalow heedhe
Anoo gabana iyo maalintaan guuxa baranaayey
Iyo maanta oon gabay badsaday, kala gorfayntiisa
Gadh wadeen ayaad ii ahayd geesi aan dhimane
Goleyaal ayaan kaa xusiyo goobo aan ogaye
Guuleed Fansalakh maalintaad gumuc ku tuuraysay
Kuwii kuu garaacaan ahaa sacab garowsiine
Gabdheheenna diinta leh tixdaad ugu gargaaraysay
Eed farax ku gelinaysay baan weli gardaadshaaye
Geeraaro qiima leh intaad gelisay raadyowga
Gol daloolo hore kaama maqal gef iyo deelqaafe
Haddase gabaygan kaa yimid dareen giiga igu beerye
Inuu yahay gef kaa yara dhiciyo gees mar Bani Aadan
Iyo Gedihii aan kugu aqiin inaad ka soo guurtay
Adigaa gadaal kala caddayn gacallahaygoowe
Gabadhaa Samsama xaajadaa gees kasta u faaftay
Gudaa jeelka ee lagu xidhiyo godobta sii raacday
Gosheedaa la taabtiyo dhibkaa gaadhay sharafkeeda
Inaad gabayga ugu hiilisaa waa gar Bacadloowe!
Hayeeshee gadaafada inaad gobol dhan eedayso
Oo inay gar eexeed naqeen guud ka wada saarto
Ood gaalo raacyiyo guniyo guush ku wada sheegto
Kulamay gudboonayn walaal garashadaydiiye!
Haddaad guluf abaabuli lahayd gabadha soo saara
Gurmashada Magaadliyo Xabuush, gala ma weydeen
Inta cadho la gawracan dhibkaa inanta loo geystey
Ee garab ku siinlayd ayaa geeshashoo badane
Maad gooni Fooxliyo Basaas, go'e u faallaysid?
Oo nimanka waad garanaysaa, gaar wax uga sheegtid?

Gacan Saar – Maxamuud M. Aw-Yuusuf

Gabaygan waxaa tiriyey abwaan Maxamuud Maxamed Aw-Yuusuf, abwaanku waxa uu halka kaga hadlayaa arrinta Samsam oo in badan qoraallo iyo gabayaba lagaga hadlay isaga oo ka duulaya gabayada ay is dhaafsadeen abwaan Abshir Bacadle iyo Cabdi Cige. Abwaanku waxa uu ka tiriyey tixdan la magac baxday Gacan Saar, isaga oo jooga magaalada Badhan taariikhdu markay ahayd 10ki Jannaayo 2005tii. Waatan tixdii:

Abshiraw tixdii gabay haddaan gabal ka soo qaato
Taariikhada guunka ah haddaan soo gadaal celiyo
Lixdankii go'aankii ahaa gaasir ma ahayne
Galbeed iyo bari koonfur waa loo guddoonsadaye
Gudi wadara Soomaalibaa xaajada guraye
Axdigii la galay waakan yaal goboladeenoo dhan
Intaasaan ku soo goynayaa teena guudnimo
Geli mayo sheekh Faysal iyo tiina gaarka ahe
Hadday gabadhu Boosaaso iyo Bari kasoo gooshtay
Ay guriga soo haybisoo gaari lagu keenay
Madaxweyne waa loo galaa waa ged caadiyahe
Guurihii maxaa loola baxay gabadhu waa care!
Iyadaan wax garanayn maxaa loo gol qabateeyey
Sidii gaalo heerana maxaa gacanta loo saaray
Gacan dumar nin yiri waa ka baqay gaabanaa hadalku
Waxba yaan god lagu dhuunto iyo geed la ii korine
Samsam waxa gefkeedii cuskaday Shiikha guunka ah
Golayaal wasiir iyo garsoor guurtidiyo xeerka
Gidigoodba waa loo dhamaa gabadha ceebta
Gafka dhacay Magaadliyo Xabuush waw gudboon yahaye!
Gadabiirsay iyo guruxi waa wada gacmeeyeene
Waa waxa gil gilay dawladdii gaararka lahayde
Waxa aad gasheen Ina-Cigow gobi mayeesheene
Garsoorkiinii sare waad ogtahay waxuu gabood muujay
Cisbataalka waa loo genbiyey xaashidi u gooyey
Mid kaloon wax loo geysan bay magac ka geeyeene
Garyaqaannadii waa og tahay xarig in loo gooyey
Loo diid gargaar iyo inay gacan ka siiyaane
Iyadoon cid garab taagan iyo gacal dareemaynin
Iyadoo garbaha qaawan bay gegedii taagnayde
Waatii guyaal lagu xukumay kiis la guudmaray
Geyigoo dhan waa laga og yahay guuldarrada meesha
Inaad gole timaadiyo inaad gabaydo maahayne
Geeraarku maahayn in aad geed is marisaaye
Waxaad gocotay iyadoo garaan kaa qancinayaa
Waxaad tiri gohaad baan arkay iyo geeri lay baday
Waxaad tiri gantaalo iyo hubaa igu garaacdeene
Gudihii Hargeysa iyo Berbera waad go' daad tidhiye
Godobtaad ka sheekaysay iyo reerka waxa gaaray
Ma gudboon yihiin gabadha iyo nabarka loo geystey
Aar goosigaagani halkuu galay madoonayne
Alaylahe geyaan waa disheen beel is guursigii
Marse haddaad wadaadkii gabyiyo gubaba soo qaaday
Alaylehe colaad guuna ah baad saartay gaadada
Maxaa loo gilgilay maatadiyo gabar aan qaangaarin
Gar Ilaahigey inanta waa loo gabood falaye
Goobyaalay baa kula gudboon waanad garanayne
Hadaadse goosateen godob la'aan maad iskaga guurtid!

Gunaanad

Waxaa ila haboon inaanu arrimaha la xiriira doodaha iyo mucaaradada suugaaneed ee loo hayo abwaan Bacadle oo ka badan inta aanu soo sheegney inala habboon inaanu ku soo gabagabeyno jawaab gaaban uu Bacadle ka bixiyey maansooyinka ka soo horjeeda qaarkood gaar ahaan kuwii la xiriirey xarigii Samsam iyo dooddii abwaannada reer Soomaalilaan, marka haddi jawaabaha abwaannada iyo Abshir Bacadle dib u jalleecno ka hor iyo dib gabaygii hore ee Gob Cunsuri Ahoo ayaa meesha waxaa ka sii socday gabayo badan oo ay soo mariyeen abwaanno badan oo ka soo jeeda degaannada Soomaalilaan kuwaa oo ka dhiidhiyey gabayada Bacadle oo xiriirka la leh xarigii Samsam Axmed Ducaale, Abshir oo garwaaqsanaya gabayada qaarkood iyo carada abwaannada ayaa soo saarey jawaab suugaaneed oo uu garwaaqsanayo dareenka suuganeed ee abwaannadaa Soomaaliyeed, laakiin ku adkeesanaya fikirkiisii hore sida dabeecadda Abshir Bacadle lagu yaqaaney. Abwaanka ayaa waxaa u suuro gashay in uu akhriyo inta badan gabayadii abwaannada wuxuuna halkan uu jawaab ku siinayaa toddoba ka mid ah abwaannadaas, wuxuuna yiri:

Cigow gabay asluubeysan oon garanayaad sheegtay
Garna waad u leedahay inaad gocasho riintaaye
Mase garwaaqsan karo inuu tolkaa gabadha taageeray

Gabayga Maxamed Cali waxaa ka dilay ceebuhuu galaye
Sidii geed salweyn buu u dhisnaa oon la goyn karine
Gadowgiyo sargooyada innaba laguma gaareyne!

Maxamed Xirsi Guuleed tix aan garan ayuu sheegay
Gabay nuxur leh oo gaaban buu gacanta ii saaray
Guuleed gujada beeshu waa gabadha hiilkeeda!

Ina Dhagaafe gabaygiisu waa gar iyo taariikhe
Go'aan adagna wuu qaatay oo gobi ku naalooto
Wuu noo garsooraye cidnana kuma garaafeyne!

Axmed Naasir gabaygiisi waan garanayoo ruugnay
Gar adeegga iyo meel danboo gubad le mooyaane
Gabaygu laaxin male wixii gafana gabadha hiilkeed dhe!

Gabaygi Shiino Guba kama duwana garashadaydiiye
Garaafooyin iyo waxaa ku jiray waa la aar gudane
Halkuu gaaray iigama go'neyn waa dagaal geline

Gabaygi Maxamed Ow Yuusuf uu Baran ka soo giisay
Gocasho iyo hiil buu ahaa gun iyo baar taabtay
Gogol lagu garramayoo kallaa loo gunaanadaye.

Fiiro gaar ah

Ugu danbeentii waxaa amaanadu ku jirtaa ineynu baarayaasha Soomaaliyeed ku biirinno in warbixinno badan oo arrimaha aanu ka soo hadalney la xiriirta inay ka sii tixraacaan qormooyinka isugu jira tix iyo tiraab fara badan oo ku soo aroorey boggagga Soomaaliyeed ee internedka, waxaase xusid mudan in dhammaan Silsiladda Samsam ee taxanaha ah oo ay ka qayb qaateen abwaanno badan laga heli karo si rasmi ah webka: somalitalk.com/samsam.

Geeridii Bacadle Kaddib

Inkastoo qadarta Alle aanan cidi celin kareyn haddana geeridii ku timid Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle 10kii Oktoobar 2010kii, waxay gilgishey dadkii garanayey ee ka mid ahaa bulsho weynta Soomaaliyeed, qaar ka mid ah qolooyinkaana waxay tiiraanyada kaga aaddan geerida ku timid Abshir Bacadle ay ka cabireen tix iyo tiraabo kala duwan, fara badnida qoraalladaa iyo maansooyinkaa halakan kuma wada soo aroorin karno, laakiin waxaanu ka dooraney qaar ka mid ah maansooyinka iyo anaga oo tilmaami doonna qaar ka mid ah qoraaladdaa inkastoo aanu meeshatan ku soo tabin doonno sida ay ku yimaadeen.

ABSHIR BACADLE, ADDOON IIMAANKIISA KA RUNSHEEGAY OO KU DAYASHO MUDAN!

Qormo xusuus qor ah.

Qormadaan waxaa qorey qoraaga qiimaha iyo qadarinta mudan ee qalinkiisu furan yahay Ustaad Abuukar al-Badri, waxaanu ku talin laheyn in aad aqrisaan qormadaa aad iyo aadka u qiimo badan, waxaana laga daalacan karaa mareegta hoos ku xusan.

Haldoorkii Abwaanka – Cismaan C. Guure

Jiiftadan waxaa tiriyey abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ah abwaan caan ka ah Muqdisho iyo hareeraheeda ayna saaxiib ahaayeen Abwaan Abshir Bacadle. Sababta ku bixisey inuu gabaygaan tiriyana abwaan Guure waxay aheyd sida aanu ka soo xiganey Abuukar al-Badri markii ay ciidamadii Xabashida ee soo galay magaalada Muqdisho ay xireen Abshir Nuur Faarax ka dib markii uu ka soo horjeeday duulaanka Itoobiya kuna muujiyey mucaaradadaa tix iyo tiraab. Abwaan Guure wuxuu gabayga beydadkiisa hore ku fasirayaa qofka uu ahaa Abshir Bacadle, qeybta dhexena wuxuu ku sheegayaa sababta loo qafaashay, qeybta ugu dambeysana qiimaha uu bulshada Soomaaliyeed u lahaa abwaanka. Waxaan halkan ka maqan aaraartii gabayga, waxaana toos u soo qaadaneynaa qeybta uu Abwaan Guure sida tooska ah uga hadlayo shaqsiyadda Abshir Bacadle oo markaas ku jira xabsi ay leeyihiin gumeystihii amxaarada. Sidan ayuuna ku bilaabay:

Hal doorkii abwaankiyo,
Qareenkii dadkeygee,
Dooxatadu qafaasheen,
Taariikhdiisa dahabka ah,
Dib haddaan u milicsado,
Rabbiyaa i dilayee,
Abshir laba dibleyn iyo,
Ma mudneyn dibindaabyo.

Abwaan Guure wuxuu sii fasirayaa in Abshir Bacadle aan loo xirin dembi uu galay, balse loogu maagayo qofka uu yahay darteed.

Abshir ma aha dembiile,
Daqar ruux uma geysan,
Ninna dhiig kama daadin,
Cidna daaqad kama jebin,
Qofna duunyo kama dhicin,
Dirir sokeeye kuma talin,
Dulmi raalli kama noqon,
Wax Ilaahey diidana,
Damiirkiisa ma aqbalin.

Abwaan Guure aad ayuu gabaygiisii ugu fogaaday inuu Abshir kaga sheekeeyo, wuxuuna qeybtan ku cabbirayaa sifooyinka wanaagsan ee uu Abshir Bacadle lahaa.

Ma dafiro xaqiiqada,
Runtana daaha ma saaro,
Been uma durbaan tumo,
Ma daliishado baadil,
Ma dawarsado addoomada,
Ilaahey cid kuma daro,
Shirki diin kama yeesho,
Waa muwaxid dantiisiyo,
Dacwadiisa u sheegta,
Allaha deeqda bixiyee,
U dahira cibaadada,
Rabbi daa'in keligii.

Abwaan Guure wuxuu kaloo yiri:

Caaqil aan ku dayaniyo,
Waa caalim daaciya,
Shaqsi dabci macaan iyo,
Waa saciim dulqaad badan,
Waa nin door ka dhiidhiya,
Dulmigiyo xadgudubyada,
Waa qareen u dooda,
Inta laga gardarran yahay,
Waa daryeele u taagan,
Danyarta iyo maatida,
Waa geesi deeqsi ah,
Waa abwaan u daacad ah,
Diintiyo dalkiisoo,
Ruuxii u daran neceb.

Abwaan Guure waxaa kale uu mariyey tixdan ku aadan isla Abshir Bacadle oo uu yiri:

Waa abwaan ka sii diga,
Dabinnada gumeysiga,
Waa daljire cadaawaha,
Addinkiyo maalkiyo,
Afka kula dagaalama,
Waa hal doorka abwaane,
Suugaanta danabka ah,
Ku difaaca Islaamka.

Qeybtan ugu dambeysa wuxuu Abwaan Guure kaga hadlayaa sababta uu rumeysnaa in Abshir Bacadle loo xiray ee uu u jiifay xabsi ay leeyihiin cadowgii dalka duulaanka ku heystay.

Xaq abwaan ku daakira,
Dal gumeyste heystiyo,
Dugsi cadow ku hoos nool,
Koley laba dibleyn iyo,
Dibindaabyo ma huree,
Markuu dulucda maansada
Intuu deel ka hingaadsho,
Murti dubba ka qira weyn,
Nabarada damqanayiyo,
Doogta hoos ka quruntiyo,
Qolofta saaran daqarkiyo,
Ku dillaaciyo boogtee,
Ugu baaqo dadkiisa,
Nin ku dilay har kuma dhigo,
Xasaan kama duwana oo,
Diinlaawayaashiyo,
Dabadhilifyo gaalaba,
Rucbiyaa u soo dega.

Abwaan Guure wuxuu gabaygiisii ku soo gunaanadayaa inkastoo ay gumeystayaashii qafaasheen Abshir Bacadle, xabsigoodana u taxaabeen inay shacabka Soomaaliyeed jecel yihiin Abshir oo ay ku diirsan doonaan suugaanta dahabka ah ee diinta, waddaniyadda iyo iimaanka ku dhisan ee uu u dhaafay ummadda.

Guud ahaan dadkeenuna,
Way ku diirsadaanoo,
Rabbiyaa i dilayee,
Dar Allaan u jecel nahay.

Bacadle: Abwaankii Nabadda – Yuusuf X. C. Xasan

Maansadatan waxaa uu Macalim Yuusuf Xaaji Cabdullaahi Xasan oo ah qoraa, macalin iyo maanso-curiye, geerida Abshir kaga falceliyey markii ay soo gaartey maansadan:

Adduunkani aaya ma leh
Adduunkani aabbe ma leh
Wax loo ehel sheegto iyo
Abdiyo sii eegid ma leh
Ammuuri markay dhacduu
Oogmaa anfariir darani
Markay asaraar gashuu
Afkii hadli jiray xidhmaa
Markay urugiyo naxadini
Albaabkaaga joogsatuu
Nafluhu amakaagayaa
Ninkii ummaddu ay jecleyd
Abwaankii nabadda ee (Bacaadle)
Ilaahay dartii u go'ay
Dumarka eedaadayee
Madfaca lagu aayayiyo
Ubadka taakuliyihii
Asxaanta sameyni jiray
Ammuuraha taagan ee
Dadkii anfariirsan yihiin
Ninkii addimaayey ee
Intaa nabadda u ordaayey
Markii la is aasi waayey
Ninkii maydka ururinaayey
Markii anfacadii la waayey
Ninkii ountiyo biyaha
Ubadka ula gaadhsiini jiray
Ninkii cid waliba ammaantee
Ummaddu ay wada jecleyd
Alloow Abshiroow jannada
Udgoonkeeda ha ku ag marin!
Xabaashana kuu iftiimi
Malaa'igta kuu imaani
Alloow ehel kaaga yeel
Addoon jira baad aheydoo
Iimaanku ku weyn yahayoo
Marnaba iin lagu ogeyne
Alloow Anbiyadi ku raaci
Halkay kugu aasayaan
Haddii aan ag joogi lahaa
Ilaah baa igu og oo
Iftiin baan sudhi lahaa
Ayaamaan joogi lahaa
Waxaana ku uur samahay
Intii nin Islaamba ahi
Adduunyada dacal ka joogo
Magacaa la ilaawi maayo
Horaad erey wacan u tidhi
Asxaanna horaad u yeeshay
Astaamihii suubbanaana
Ummaddu wey kugu tilmaantay
In aad i arkayso ma ogi
In aad i ag joogto ma ogi
Indhuhu wey ooyayaan
Qalbigu wuu olalayaa
Afkuna wuu aamus gabay
Arrinku ani kela maahee
Ummaddu wey ila qabtaa!

Abshirow Bacaadloow – Abuubakar Al-Badri

Waa geeraar baroor diiq ah ee uu curiyey Abuukar al-Badri mar uu muujinayey dareenkiisa ku aaddan geerida ku timid abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle wuxuuna yiri:

Abshirow Bacaadloow,
Abwaankii dadkeeygoow,
Xaqa kii ifinayee,
Aan ku diirsaneynoow,
Ayaamehey darreydee,
Alhumadeeni taagneyd,
Afkii noo hadlaayoow,
Inta dhibban masaakiin,
Kii aruurinaayoow,
Kan habeenki aan shidan,
Kan hiraabti aan cunin,
Ubad maalmo qatanaa,
Kii u heybin jirayoow,
Agoomaha dufeysane,
Alla weyne mooyee,
Ehel kaleeto aan qabin,
U adeegi jirayoow,
Asluubaadka diintee,
Udgoonoow Rasuulkii,
Eebbe noogu soo diray,
Kii u hiilin jirayoow,
Ifka noo baneysaye,
Abbaarkaagi aakhiro,
Abshir iyo ijaabiyo,
Ashahaadateynkii,
Ilaahey ha kugu sugo
Udgoonow Rasuulkiyo,
Ibraahiim Khaliilkii
Anbiyada u doorraa
Aakhiro agtoodii,
Ilaahey ha kugu simo,
Iilka meel udgoonoo,
Naftu ay u aaydo,
In dhibeysa ruuxdaba,
Aan lagu arkeynin,
Ilaahey ha kaaga dhigo,
Ibtiladii Siraadkiyo,
Abeesooyinkiisii,
Il biriqsi dabadii,
Inaad ka gudubtaa baan,
Ilaah kaaga tuugaa,
Imaatinkaagii aakhiro,
Kuwa Eebbe doortee,
Uu harkiisi geeyee,
Imtixaanka aan marin,
Ilaahey ha kugu daro
Jannadii udgooneyd,
Albaabkii Rayaan ee,
Adoomadu baryaayeen,
Amintey u daran tahay,
Eebbahey ha kuu furo.
Annagana gadaashaa,
Kuwa Eebbe doortee,
U aayaayo diintee,
Xaqa lagu ilaaliyey,
Eebbahey ha nagu daro!

Raadraac

Ilaha xog ururinta kala duwan ee qoraalkan gacan ka geystay waxaa u door roon kuwan hoos ku xusan:

  1. Gabayo badan oo aan qoraaga toos uga soo xigtay marar kala duwan oo aan wareysi la yeeshay.
  2. Cajalado badan oo ay ku duuban yihiin gabayo kala duwan oo la tiriyey xilliyo kala duwan.
  3. Barta Internetka oo aan gabayo badan ka soo xigtay, gaar ahaan gabayada afcelinta ah oo abwaan Bacadle (Alla ha u naxariistee) loogu jawaabay. Gaar ahaan gabayadii baaxadda badnaa ee laga curiyey xabsigii dulmiga ahaa ee gabadhii Samsam Ducaale lagu xidhay xabsiga Hargeysa. Gabayada qaybta labaad ee buuggan waxay toos ku ifinaysaa gabayadii silsiladda ahaa ee ka curtay xabsigii qaawanaa ee Samsam Ducaale.
  4. Qaranjabkii Soomaaliya, Aw-Jaamac Cumar Ciise. 1994kii. Waxaa lagu daabacay dalka Keenya.
  5. Diiwaanka Gabayada Soomaaliyeed, Gurmad Cadadka 1aad illaa 5aad, waxaana daabacday Skaansoom 1997-2005kii. Waxaa ku daabacan qiyaastii ilaa 8 gabay oo ka mid ah maansooyinkii Abshir Bacadle.
  6. Wargeysyo kala duwan sida Ayaamaha, iyo kuwo kale oo lagu daabaco meelo iyo dalal kala duwan oo ka soo bixi jiray magaalada Muqdisho xilliyo kala duwan.
  7. Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamad Cabdille Xasan. Aw-Jaamac Cumar Ciise. 1974kii.
  8. Ina Cabulle Xasan. Yaasiin Cismaan Keenadiid. 1984kii. Naboli, Talyaaniga.
  9. Ismaaciil Mire. Axmed Faarax Cali Idaajaa. Muqdisho, Soomaaliya. 1974.
  10. Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi: Ururin Qoraallo la xuley, Tix. Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi: muxaadaro iyo waraysi uu ka bixiyay Raadiyaha Iqra. Nayroobi, Keenya. 2002.
  11. Buugga Suugaanta Dugsiga Sare – Fasalka Koowaad.

Wargeysyada

Waxaan gabayo badan ka helnay qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka
Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo baxa magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Xamar, sida wargeysyada Xog-Ogaal, Qaran iyo Ayaamaha.

Idaacadaha

Waxaa iyadana xusid mudan in idaacadaha afka Soomaaliga ku baxa aannu ka qabannay gabayada qaarkood sida Idaacadda Bii.Bii.Sii, Landan, Ingiriiska, iyo Idaacadda Codka Nabadda ee Itoobiya, iyo kuwa ku yaalla magaalada Muqdisho.

Tixraacyada Internetka

http://www.somalitalk.com/samsam/samsam72-120.html
http://www.somalitalk.com/editorial/samsam72-120html
http://www.somaliuk.com/Forums/index
http://www.saaxil.net/suugaan/mar
http://www.somaliland.org/archives/opinion