Kalluunka

KALLUUNKA

WASAARADDA WAXBARASHADA

XARUNTA WAXBARASHADA DADKA WAAWEYN



WASAARADDA WAXBARASHADA

XARUNTA WAXBARASHADA DADKA WAAWEYN


Tusmada Buugga


Hordhac

Buugan Kalluunka waxaa loogu tala galay beelaha dan-wadaagaha ee kalluumaysatada ah iyo iskaashatooyinka kallumaysatada. Buuggu wuxuu u qaybsan yahay 3 qaybood oo kala ah:

  1. Arar guud oo ku saabsan kalluunka iyo faa'idooyinkiisa.
  2. Dhawrista, daryeelidda iyo kaydinta kalluunka.
  3. Kalluunka baddeenna laga kalluumaysto astaamahooda, musawirkooda, waxtarkooda iyo tilmaamo guud.

Waxaan ku rejo weyn nahay in haddii uu ardayga kalluumaysatada ahi uu si fiican u derso buugan, in uu si habboon uga faa'idaysan karo.

Waxaa buugan qoray Mayfred Wehrmann, Ismaaciil Muumin, Ibraahim Xaaji Barre iyo Jaamac Cismaan Cashuur. Waxaa garaacay Rabiica Barre iyo Gisela Wehrmann. Waxaa daabacay Maxamed Cabdi.

Qeybta diyaarinta, dhowrista iyo keydinta waxaan kasoo minguuriney buug ay soo saareen laanta Jimciyadda Qaruumaha u qaabilsan cuntada iyo beeraha (FAO) Home Techniques: Food Preparation.

Ibraahim Xaaji Barre
Maamulaha Xarunta Waxbarashada Dadka Waaweyn

Casharka 1aad: Waa Maxay Kalluunku?

Haddii aan su'aasha kor ku dhigan isweydiino, waxaa dhici karta in dadka qaarkiis ay ku jawaabaan amaba u qabaan in wax allaale wixii ku nool badaha iyo webiyadu ay yihiin kalluun. Fikraddaasu waa mid khaldan waayo kalluunka maahee xoolo fara badan oo kale ayaa ku nool webiyada iyo badaha adduunka. Xoolahaas kale waxaa kamid ah nibiriga iyo carsaanyada.

Haddaba, sidee baa kalluunka looga sooci karaa ama looga garan karaa xoolaha kale ee uu meel kula nool yahay? Kalluunku wuxuu leeyahay calaamado guud ahaaneed oo lagaga sooci karo xayawaanka meel kula nool. Tan hore waxay tahay iyada oo kalluunku leeyahay qolfoof carjow ah ama mid lafo ah. Mid kalena waxay tahay, kalluunku wuxuu leeyahay waafyo, kuwaas oo awood u siiya inuu ku dhex neefsado biyaha gudahooda isaga oo aan dibadda usoo bixin.

In kasta oo arrimahaasu ay ka dhaxeeyaan kalluun oo dhan, haddana kalluunku wuxuu u kala baxaa noocyo fara badan oo kala gegedisan. Culimadu waxay sheegeen in labaatan kun (20,000) oo nooc oo kalluun ahi ay ku uuman yihiin badaha addunka.

Kalluunka noocyadiisa qaar baa aad u dhaadheer qaarna waa wax aad u yar oo dheerarkoodu yahay 2 sentimitir, kuwa dhaadheeri waxay gaadhaan 15 mitir ilaa 20 mitir. Kalluunka waxa kale oo lagu kala saaraa midabadiisa kala duduwan. Qaar baa guduudan ama cagaaran qaarna waxay isugu jiraan midabo kala jaad ah. Siyaabaha kale ee loo kala qaybiyo kalluunkuna waa mid ku dhisan xagga dhismaha jidhka kalluunka ama sabada uu ku nool yahay.

Qaybaha kalluunka loo qeybiyaana badiyaa waa sidan soo socota.

  1. Kalluunka aan lafta lahayn ama qalfoofkiisu ka kooban yahay carjaw kaliya (waxaana kamid ah libaaxa iyo odaal) iyo kalluunka lafta leh ama qalfoofkiisu lafta leeyahay (qeybtanina waxay si doora uga badan tahay qeybtii hore ee aan sheegnay).
  2. Kalluun badeedka iyo kalluun wabiyeedka, kalluun hareedka.
  3. Kalluunka badda gunteeda hoose ku nool iyo kalluunka biyaha sare ku nool.
  4. Kalluunka quuta daaqa (cagaarka) badaha hoostooda ka baxa iyo kalluunka hilib cunka ah ee quuta xayawaanada kale.

Layli

  1. Sheeg astaamaha caanka ah ee kalluunka.
  2. Qor ugu yaraan seddex siyaalood oo loo kala qeybin karo kalluunka.
  3. Imisa nooc oo kala gadisan oo kalluun ah baa jira?
  4. Kala bax laba kalluun oo kala nooc ah magacyada kalluunka ee hoos ku qoran adigoo sheegaya mid walba kooxdiisa. Waxaad kaashan kartaa buugga xaggiisa dambe.

Casharka 2aad: Quutinta Kalluunka

Kalluunku sida xoolaha kale oo dhan wuxuu u baahan yahay cunto uu ku noolaado, cuntadaas oo uu ka helo tamar.

Sidaas daraadeed kalluunku wuxuu ku noolaan karaa oo kaliya meel cuntada uu u baahan yahay uu ka heli karo.

Biyaha dhexdooda cuntadu waa meerto. Cuntadu waa meerto waxaynu uga jeednaa, kalluun kastaa cunto ayuu cunayaa marar badannaa waxaa dhacda in kalluunkii naftiisu uu cunto u noqdo kalluun kale.

Taasi waxay inoo caddaynaysaa in kalluunku cuntana cuno isna cunto u yahay qaar kale.

  1. Waxyaalo aad u yar yar oo ili-ma-qabatay ah ayaa xayawaanka baddu quutaan. Meelaha xeebaha ah waxaad ku arkeysaa biyaha oo xumbo leh oo aan saafi ahayn. Waxyaalahaas biyaha la socda ayaa ah waxyaalaha ay quutaan xayawaanka baddu. (Hoos waxaa ku masawiran waxyaalahaas aan kor ku xusney oo la weyneeyey).
  2. Xayawaanka badda ee quuta waxyaalahaas yar waxaa kamid ah kalluunka, dixiriga, carsaanyada, xaaxeyda iyo wixi lamida.
  3. Xayawaanka kor ku musawiran waxaa cuna kalluunka yar yar.
  4. Kalluunka yar yar laftooda waxaa cuna oo ku nool kalluunka ka waaweyn.

Sidaas darteed cuntada xayawaanka baddu wey isku xidhxidhan tahay. Haddii waxyaalahaas ili-ma-qabatayga ah iyo xayawaanka yar yar ee baddu ay madhaan, waxaa cunto waayaya kalluunka, markaasna kalluunka ayaa madha.

Kalluunka qaarkii waxay cunaan oo qudha waxyaalahaas ili-ma-qabatayga ah, qaar kalena kalluunka ka yar yar oo keli ah.

Waxaa la yaab leh libaaxa badda ku nool kuwa ugu waaweyni inay quutaan xayawaankasi ili-ma-qabatayga ah ee aan soo sheegnay iyo geedaha badda oo kali ah.

Casharka 3aad: Dhismaha Jidhka Kalluunka

Kalluunku wuxuu leeyahay noocyo fara badan oo qaabkoodu aad u kala geddisan yahay. Dadka berriga ku nool ee aan badda aragi aad ayey ula yaabaan markay arkaan qaababkaa kalluunka ee kala gedisan.

Hase yeeshee dhismahaasi kala gagadisani waa midka u suurto gelinaya kalluunka siduu ugu noolaan lahaa dagaankiisa cuntana ku raadsan lahaa.

Hoos waxaa ku musawiran dhowr nooc oo kalluunka ah, oo kuu muujin kara qaababka kala geddisan ee kalluunka.

  1. Xarafka B: Sidaas darteed wuxuu aad ugu daran yahay ugaadhsiga kalluunka kale.
  2. Xarafka T: Marka uu ugaadhsanayo wuxuu kala qaadaa afka inta ay waxuun ku soo dhacayaan.
  3. Nooca leh xarafka J aad ayuu u balaadhan yahay wuxuuna ku badan yahay burciidaha hoose, taas oo u suurta gelisa inuu ka nabadgalo kalluumada kale ee ugaadhsan lahaa.
  4. Nooca xarafka X ku hoos qoran yahay aad ayuu u gaabiyaa, wuxuuna bedbedeli karaa qaabkiisa, taas oo uu cadawgiisa kaga nabad galo, waayo waxaa kalluunka kale ku adkaata in ay liqaan marka qaabkiisa uu ka dhigo kan kubadda oo kale.
  5. Nooca leh xarafka Kh wuxu leeyahay baalal uu mararka qaarkood biyaha kor uga soo baxo. Wuxuu hawada ku boodi kara 30 ilaa 50 mitir marka uu cadawgiisa ka baxsanayo.
  6. Xarafka D: Wuxuu iska rogi karaa meel cidhiidhi ah, wuxuuna dheer yahay kalluunka kale firficooni.

In kasta oo ay si aad ah u kala gedisan yihiin, misna waxaa jira astaamo ka wada dhexeeya kalluunka oo dhan.

Sawirkan hoos ku samaysan waxaad ku aragtaa astaamaha guud ahaaneed ee kalluunka badankiis lagu yaqaan.

Qaybaha Jidhka Kalluunka

baal qodxeedka sare
baalka jilicsan ee sare
duudka
gafuurka
xidhiidhka baalka
baalka dabada
daboolka waafyaha
baalka shafka
baalka bogga
baalka dambe

Waxaa badanaa aad kuu caawin kara qaabka madaxa iyo baal biyoodyada kalluunka oo ah waxyaalaha lagu kala sooci karo, laguna soo dirsoci mid walba qoladiis iyo bahda uu yahay. Waxaa loo baahan yahay in aad barato magacyada baalbiyoodyada haddii aad rabto inaad buuggan intiisa dambe si fiican u garato.

U fiirso sida ay isugu xidhan yihiin qaabka kalluunka iyo qalfoofkiisu ama lafahiisu.

Sawirkan iyo kan ka horeeya maxaad xidhiid ah oo aad ku aragtaa?

Baalbiyoodyada iyo dabadu waa waxyaalaha uu kalluunku ku dabaasho. Baalbiyoodka dabadu waa kan ugu xoog roon ee uu ku dabaasho kalluunku.

Waafyada oo ah meelaha uu kalluunku ka neefsado, waa astaanta ugu weyn ee kalluunku leeyahay. Iyagu waxay kalluunka u suurta geliyaan sidii uu biyaha ugu dhex neefsan lahaa, hawada ogsajiinkana ugala soo bixi lahaa.

Waxaa kale oo jirta, waxa ku dahaadhan jidhka kalluunka qolof ama qashar. Qoloftaasi waxay gaashaan uga tahay waxyeelada kaga iman karta dibedda. In kasta oo qalfoofku mid kakan uu yahay haddana iskama hortaago calluunka socodkiisa.

Casharka 4aad: Nafaqada Kalluunka

Kalluunku wuxuu kamid yahay cuntooyinka kaydsan ee ku jira badda. Hase yeeshee kaydkaas cuntada ah waxaa jirta in aynaan ka faa'ideysan. Kalluunku wuxuu kamid yahay nafaqada jidhku u baahan yahay. Qofka kalluunka cunaa wuxuu jidhkiisu yeeshaa awood uu iskaga celin karo cudurrada soo weerara. Koritaanka iyo faya qabka jidhka dadku wuxuu u baahan yahay nafaqooyin ku jira cuntooyinka. Hase ahaatee cuntooyinku wey kala waxtar roon yihiin, nafaqaduna wey ku kala badan tahay. Cuntaba cuntada ay ka nafaqo badan tahay bay uga waxtar roon tahay jidhka. Kalluunka waxaa ku jira nafaqooyinka jidhku u baahan yahay oo dhan, kuwaas oo jidhka qofku la'aantood aanu si habsami ah u shaqeyneyn.

Nafaqooyinka kalluunka laga helo waxa kamid ah:

  1. Brotiin: Waa nafaqada jidhku ku koro waxaana kale oo laga helaa caanaha iyo ukunta. Qofka nafaqadani ku yar tahay si quman uma koro, cuduradana wuu u nugul yahay.
  2. Macdan: Jidhka dadku si uu si habsami ah ugu shaqeeyo waxaa lagama maarmaan u ah in cuntada qofku cunayo ay ku jiraan macdano kala duwan. Kalluunka waxaa ku jira dhammaan macdanta uu jidhku u baahan yahay.
  3. Fiitamino oo iyana ah waxyaalo ku jira cuntada jidhkuna la'aantood aanu shaqeyn karin. Fiitamiinadu waxay qeyb weyn ka qaataan wada shaqeynta guud ee jidhka.

Layli

  1. Waa maxay faa'idooyinka kalluunka?
  2. Sheeg nafaqooyinka laga helo kalluunka.
  3. Maxay u taraan jidhka nafaqooyinka soo socda: Brotiin, Macdan iyo Fiitamiin?

Casharka 5aad: Waxyaalaha Kale ee Kalluunka Laga Helo

Cunto ahaan ka sokow kalluunka waxaa kale oo laga helaa waxyaalo waxtar roon inoo leh. Marka la geliyo Warshadda qeyb kasta oo kamid ah jidhka kalluunku waxay yeelataa waxtar gaar ah.

  1. Saliid: Saliidda kasoo baxda hilibka kalluunka waxaa lagu isticmaalaa waxyaalaha ay kamid yihiin sameyska saabuunta, renjiyada la mariyo biraha iyo looxaanta, waxyeelaha wax lagu dufno, dheeha dusha laga mariyo weelka iyo biraha iyo megdinta hargaha.
  2. Qolofta Kalluunka: Waxaa laga sameeyaa qolofta kalluunka kuulo iyo waxyaalaha guryaha lagu qurxisto oo aad u qurux badan.
  3. Lafaha, baal-biyoodyada iyo mindhicirada: inta la ridqo lafaha baal-biyoodyada iyo mindhicirka kalluunka ayaa lagu daraa waxyaalo kale oo laga sameeyaa cunto xayawaanku cuno iyo waxyaalaha beeraha lagu bacrimiyo.
  4. Isla sidoo kale ayaa madaxa kalluunka waxaa laga sameeyaa cunto lagu quudiyo xayawaanka iyo waxyaalaha lagu bacrimiyo carrada, waxyaalahaas oo nafaqo ku kordhiya carrada.

Layli

  1. Maxaa kamid ah waxyaalaha laga helo kalluunka?
  2. Sheeg waxyaalaha soo socda waxa laga sameeyo:
    • Qolofta kalluunka
    • Baal biyoodyada
    • Maqaarka libaax badeedka
    • Madaxa kalluunka.

Casharka 6aad: Baahida loo Qabo Kalluunka

Waayadan dambe waxa si dhaqso ah u kordhaya tirada dadka ku nool adduunyada. Taasi waxay keentay in ay sii korodho baahida cuntada loo qabo. Dadyowga maanta ku kor nool adduunyada gaar ahaan Qaaradda Afrika iyo Aasiya (dalalka soo koraya) kumanyaal dad ah ayaa macaluul u dhinta sannad kasta. Ayaan darro dadyawgaas u dhimanaya macalluushu waxay leeyihiin bado badan. Haddii aynu tusaale u qaadanno dalkeenna waxaa ina soo martay abaar dheer. Abaartaas dalkeenna ku habsatay waxay madhisay xoolihii dadkeenna boqolkiiba-80 ay ku noolaayeen. Taasi waxay keentay in ay Dawladda Kacaanka ahi gargaarto kumanyaal dad ah.

Bal ka feker haddii dadkaasi aanay ku koobnaan lahayn xoolo oo keli ah. Waxaa hubaal ah haddii ay ahaan lahaayeen kalluumeysato in aanay dhibaatadaasi gaadheen. Ninka kallumeysatada ahi kama werwero abaar. Waxaase kalluumeysigu u baahan yahay hawlkarnimo, ad'adeyg, xirfad iyo qalab lagula soo baxo. Adduunyada waxna fadhi laguma helo haddii aan loo tabcan oo loo dhididin sidii Soomaalidu hore u tidhi: Fadhi iyo fuud yicibeed la isku waa.

Layli

  1. Wax ka sheeg baahida weyn ee loo qabo kalluunka.
  2. Sidee ayey kula tahay in looga faa'ideysan karo cuntadaas ku keydsan badda?
  3. Dalalka baahida weyn u qaba ka faa'idaysiga khayraadka badda waa kuwee? Waayo?

Casharka 7aad: Dhawrista Kalluunka

Sida cuntooyinka kale ayaa kalluunku u baahan yahay dhawris iyo in la ilaasho nadaafaddiisa. Waayo dhakhso ayuu u fadaroobaa waxaana ka dhasha cudurro. Inta badan wuxuu kalluunku fadaroobaa marka laga soo rogayo huuriga ee la keenayo xeebta. Marka la keeno xeebta ama dekedda waa in laga ilaashaa kulka lagana qariyaa cadceedda. Isla sidoo kale ayaa loo baahan yahay in la daryeelo oo laga ilaasho jiirka, shimbiraha badda, xoolaha, bisadaha iyo wixii kale ee fadareyn kara kalluunka inta uu yaallo xeebta ama suuqa laga gato. Haddii kalluunku fadaroobo waxaa ka fidi kara cudurro aad u halis ah oo saameyn kara bulshada.

Daryeelka kalluunka waxa kale oo kamid ah:

  1. In kalluunka shabaagta hore looga saaro, waayo wuu xumaadaa haddii uu ku raago.
  2. Doonyaha iyo qalabka lagu kalluumaysto waa in had iyo jeer la nadiifiyaa, si joogto ahna loo dhaqaa.
  3. Uur-ku-jirta iyo waafyaha oo markaaba laga qooyo, waayo waa meelaha ay bakteeriyadu dhakhso ugu dhalato.

Layli

  1. Sheeg siyaalaha kala duwan ee loo dhawro kalluunka.
  2. Maxaa kamid ah siyaalaha uu ku fadaroobo kalluunku?
  3. Maxaa madaxa iyo uur-ku-jirta looga gooyaa kalluunka?

Casharka 8aad: Kaydinta Kalluunka

Qalajin iyo Milixayn

Kalluunka marka laga soo saaro badda ayaa inta uur-ku-jirka laga saaraa, madaxa iyo waafyahana laga gooyaa. Dabadeed inta la saafo ayaa lagu daadshaa milix.

Hal kiilogaraam ee hilib kalluun ahba waxaa lagu daadshaa 40 kiiloogaraam oo cusbo ah. Marka la milixeeyo kadib ayaa la huurshaa ilaa malin.

Intaa dabadeed inta lasoo saaro ayaa lagu maydhaa biyo macaan, waxaana lagu wadhaa meel qorax leh, si uu u engego.

Badanaa sidan waxaa lagu isticmaalaa libaax badeedka waxaana aad looga yaqaanaa xeebaha gobolka Boosaaso, wixii ay soo saaraanna waxay u diraan debedda gaar ahaan Afrikada Bari iyo Dalalka Carabta.

Kalluunka la yiraahdo taraaqada sida loo engejaa way ka duwan tahay tan libaax badeedka iyo kalluunka kale. Hilibka taraaqada looma dhigo qoraxda waayo uma adkeysto milixdana waa lagu yareeyaa waayo hilibkiisa ayaa jilicsan.

Xaniidis

Isla sidoo kale ayaa kalluunka marka la soo qabto ayaa laga saaraa uur-ku-jirta madaxana laga gooyaa. Inta markaa waslad waslad loo jaro ayaa lagu guraa moofo. Marka uu bislaado ayaa laga soo saaraa, lafaha iyo dubka sarana laga saaraa. Inta oogada laga marsho milix tuman ayaa meel lagu wadhaa si uu u engego.

Qaboojin

Kalluunka waxaa kale oo lagaga ilaalin karaa in uu fadaroobo haddii baraf lagu dhex rido. Habkani wuu ka qarash badan yahay kuwii hore. Qabowga faraha badani wuxuu dilaa waxyaalaha yar yar ee qudhmiya hilibka.

Qasacayn

Habkan waxaa isticmaala warshadaha oo ku gura hilibka qascado, dabadeedna ku daboola. Kalluunka noocyo gaar ah ayaa lagu guri karaa qasacadaha. Kalluunka hilibka cad ee duxduna ku yartahay uumiga lagu bisleynayo uma adkeysan karo, waayo hilibkiisa ayaa burbura. Waxaa kamid ah taraaqada iyo tabadiinka.

Layli

  1. Waa maxay faa'idooyinka ay leedahay kaydinta kalluunka?
  2. Waa maxay xaniidistu?
  3. Kalluunka noocee ayaa lagu guri karaa qasacado?
  4. Sidee ayaa qaboojintu uga ilaalin kartaa kalluunka in uu fadaroobo?

Casharka 9aad: Diyaarinta Kalluunka

Waxaa jirta in dad badan oo Soomaali ahi aanay jecleyn hilibka kalluunka, qaarkoodna ay liidaan oo u heystaan cunto xun.

Haddii aad u fiirsatid sababaha dadku ku nacay kalluunka, waxaa badanaa ugu wacan daryeelid la'aanta aan la daryeelin hilibkiisa, iyo marka la bisleynayo oo aan si quman loo sameyn. Waxaana jirta in hilibka kalluunku uu dhaqso u fadaroobo, haddaan si wanaagsan loo maamulin oo looga shaqeyn.

Sidaas darteed cutubkan soo socdaa wuxuu ku saabsan yahay: sida loo daryeelo hilibka kalluunka iyo sida loo keydiyo, si uu u raago oo muddo dheer loo isticmaali karo.

Waxaanu ardayda kalluumaysatada ah ka codsanaynaa in ay tijaabiyaan oo raacaan hababka loo hagaajo, loona kaydiyo hilibka kalluunka ee buuggan ku xusan: kuwaas oo aanu filayno in ay yihiin habab fudud, isla markaana faa'ido badan leh.

Weelka ama Maacuunka

Nadiifinta

  1. Soo qaado qori aad kaga rogtid kalluunka qolofta sare. Middi ayaad kaga xoqi kartaa qolofta, markase kalluun badan aad qolofta ka xoqayso waxa kuu dhakhso badan kuuna fudud in aad isticmaasho qoriga aad musawirka ku aragtid.
  2. Nadiifinta iyo googoynta kalluunka waxaad ku isticmaalaysaa middi af badan oo nadiif ah.
  3. Loox adag, nadiif ah oo ballaadhan dul saar marka aad googoyneyso ama aad nadiifineyso kalluunka.
  4. Soo diyaarso biya qabaw oo aad ku meydho kalluunka.
  5. Weel aad ku shubto qashinka.
  6. Saxan ballaadhan, kidhli ama baaldi, aad ku meydho kalluunka.

Daryeelidda (Curing)

  1. Weel biyaha sii daaya sida weel caw ka sameysan (dambiil), baaldi daldaloola ama saxarad.
  2. Weel biyaha celiya oo aan sii dayn (baaldi, ashuun) oo lagu rido kalluunka marka la isticmaalayo milixaynta qoyan (wet salting).
  3. Milix: milixda aan cuntada ku cunno.
  4. Faraley, shandho bir ah, ama darin soo qaado. Waxaad isticmaali doontaa marka aad qiiqa ku qallajineyso kalluunka.
  5. Foorno (moofo) lagu qaaciyo kalluunka marka la qallajinayo.
  6. Sanduuqyo sixaarado ama kiishash caag ah oo hawo aanay soo geli karin si kalluunka qallalan loogu keydiyo.

Nadiifinta Kalluunka

Marka la nadiifinayo kalluunka waxaa ugu horeysa madax-ka-goynta iyo qolof-dhicinta (gutting and scaling) adigoo qaadaya tallaabooyinka hoos ku qoran.

  1. Dul saar kalluunka loox adag oo ballaadhan. Qabo kalluunka madaxa. Soo qaado qorigii qolofta lagaga xaquuqayey kalluunka. Ku xoq qolofta kalluunka adigoo ka soo bilaabaya xagga dambe ilaa madaxa. Iska jir marka aad kalluunka qolof dhicineyso in aad hilibka hoose wax yeesho.
  2. Ku maydh kalluunka biya qabaw oo soconaya ama weel ballaadhan ku jira. Adigoo hal gacan ku haya kalluunkii gacanta kalena kaga nadiifinaya wixii wasakh ah iyo qolofta ku hadhay.
  3. Adigoo dhinac u dhigaya duldhig kalluunka loox nadiif ah oo adag. Soo qaado middi afbadan oo nadiif ah, dabadeed ku jeex adigoo la raacaya jeex jeexa waafyaha. Middida hoos geli waafyaha daboolkooda. Dhinaca kale u rog kalluunka dabadeedna sidii oo kale ujeex. Iska jir inaad goyso madaxa.
  4. Middida waafyaha dhexdooda hore usii geli adigoo ku celcelinaya si aad u dabciso, dabadeed jar waafyaha adigoo u jaraya xagga madaxa kalluunka.
  5. Adigoo kasoo bilaabaya daloolka dabada ilaa iyo madaxa, doox caloosha kalluunka. Iska jir inaad laba u kala goyso kalluunka.

Waaladeynta

Kalluunka Weyn

  1. Adigoo jirjirka u dhigaya, calooshana kor usoo marinaya, dul saar kalluunka loox ballaadhan oo adag. Madaxa dhinaca midigtaada u jeedi. Middida soo qaado oo ku goo, adigoo raacinaya middida jeexyada waafyada.
  2. Gees u dhig madaxa iyo uur-ku-jirta.
  3. Dhinac u rog kalluunka. Si aad u kala saartid hilibka iyo lafaha. Kaga soo bi law middida halka madaxa u xigta,unasoo jar xagga dabada. Marka aad hilibka goyffayso. Middida aad wax ku goyneysaa waa in ay taabataa lafta si anad hi lib ugaga badh tagin.
  4. Saableyda feedha iyo laf dhabarta kala goy, si ay u dabacdo oo ay kuugu dhib yaraato in aad hilibka ka goysid feedhaleyda.
  5. U rog kalluunka dhinaca kale adigoo dabadiisa u jeedinaya midigtaada. Dhinacii hilibka lahaana korka soo marinaya.
  6. Sidii dhinacii hore oo kale ka jar hilibka.

Kalluunka Yar

Waxaad isticmaali kartaa kalluun dhan oo madaxa aan laga goyn.

  1. Dul saar kalluunka loox balladhan, adag, oo nadiif ah. Kalluunka qaarkiisa dambe xaggaaga u soo jeedi, madaxiisana u jeedi xagga bidixdaada haddaadan guraneyn. Middida ku goo adigoo la raacaya jeexa daboolka waafuyaha ilaa aad gaadho laf dhabarta (spine).
  2. Leexi ama u janjeedhi middida marka aad waxku jarayso ila ay la samayso laf dhabarta (spine) xagal qumman. U jar hilibka dhinaca dambe adigoo middida kaga soo bilaabaya madaxa. Middida ku dhaji laf dhabarta marka aad jareyso si aanu hilib ugu hadhin lafaha.
  3. Marka aad hilibka goyso waxaad arkeysaa uur ku jirta kalluunka oo dhan iyo lafihii oo qayaxan.
  4. Dhinaca kale u rog, calooshana korka hasoo marto.
  5. Ku celi tallaabooyinka hore ee 2aad iyo 3aad.
  6. Ka nadiifi qashin calooleedka weli ku dhagdhagan hilibka aad goysay. Haddii aad doonto baalbiyoodyada ku goo. Hilibka ku meydh biyo soconaya oo qabaw, oo nadiif ah ama kuwa baaldi ku jira oo aad sii diyaarsatay.

Googoynta Kalluunka

Kalluun Yar ama Mid Meel Dhexaad ah

  1. Dul saar kalluunka loox ballaadhan oo nadiif ah. Madaxiisu xagga midigtaada ha xigo,haddii adan gurraneyn, dhabarkiisuna ha kugu soo jeedo. Laba u kala jeex madaxa kalluunka, sii wad ilaa aad laba jeex ka dhigto kalluunkii, adigoo laf dhabarta dhinac raacinaya. Marka aad kala jeexayso kalluunka iska jir inaad middida hoos u geliso oo aad caloosha dooxdo.
  2. Kala fur kalluunka, waxa kuu soo baxaya laba dhambac oo isle'eg oo xagga booga iska haysta, calooshii iyo uur ku jirtiina iyagoo muuqda oo dhinac saaran ayaad arki doontaa. Ka soo saar uur kor jirta iyo waafyaha dabadeedna aad ugu maydho biyo qabaw oo socda ama weel kuugu sii jiray.

Kalluunka Weyn

Si ay habaynta kalluunka inooga kaalmeyso, waxa loo baahanyahay in aan wasladaha yar yareyno, sidaas daraadeed googoynta waxaan ka dhigeyna intii kalluunka yar oo labanlaaban.

  1. Kalluunka kor saar loox adag oo balladhan, ha ahaado looxu mid nadiif ah. Boogga (caloosha) kalluunku waa inuu xaggaaga soo xigaa, maduxuna midigtaada ha u jeedo haddii anad guraneyn. Adigoo ka soo bilaabaya daboolka waafyaha ilaa baalbiyoodka dambe middida ku jeex. Waxa kuu soo bixi doona waslad ad moodb dabool oo kale – markaaad kor u faydo.
  2. Wasladdu waa in kalluunka ay ka haysataa dhabarka sare. Marka aad goynayso wasladdana iska jir inaadmiddida hoos u geliso oo ad uur ku jirta sarto ama dooxdo.
  3. Kalluunka u rog dhinaca kale, madixiisuna ha u jeedo dhinaca midigtaada, dhabarkiisuna ha u soo jeedo dhinacaaga bidix. Kala jeex kalluunka adigoo ka soo bilaabaya madaxa ilaa dabada. Waa in ad hesho waslad dhumuc le'eg tii hore dhirerkana ka dheer, laf dhabartu way kaa hadhaysa. Marka ad kala jeexayso kalluunka waxad u baahantahay middi weyn ama faas.
  4. Marka aad wasladan goyneyso ha gaadho middidu caloosho, laakiin iska jir in aad ku mudid oo aad dillaaciso caloosha. Wasladda kor isaga qabo dabadeedna gacanta kaga soo bixi uur ku jirta oo dhan iyo waafyaha. Ku meydh kalluunka biya qabaw oo nadiif ah oo socda ama weel ku jira.

Milixaynta Biyaha La'

Milixaynta Qallalan

Waxad u baahan tahay:

  1. Kalluun la kala dhambalay ama la kala jeexay.
  2. Laba wasladood oo waaweyn.
  3. Milixda caadiga ah ee la cuno.

Milixaynta biyaha aan lahayn marka la isticmaalayo waxa loo baahan yahay weel dambiil oo kale ama shaando ah oo biyuhu ka hooraan.

  1. Dul saar kalluunka loox balladhan oo adag. Adigoo isticmaalaya middi af badan co nadiif ah, saaf kalluunka korkiisa adiqoo u sameynaya meelo ay milixdu gasho.
  2. Soo qaado sacab milix ah oo ku daadi meelihii aad saaftay.
  3. Weelkii aad ugu tala gashay (baldi, dambiil) soo qaado, milixna gunta u dhig.
  4. Kalluunkii saf saf oo dhig weelka guntiisa. Kalluunka aad safeysaa waa mid dhambacyo ah (laba u kal jeexan). Ee ma aha mid dhan. Taasi waxay fudu daynaysaa in milixdu si fiican u gaadho kalluunka. Iska ilaali in ad labada dhambac isku daboosho, waa inaadis ag dhigtaa.
  5. Sidaas ku wad adigoo saf kalluun ah marka ad dhigtaba saf milix ah ka sareysiinaya ilaa uu kaa buuxsamo weelkii.
  6. U dabool si culus Iaakiin ha dul saarin dhagax iyo wixi lamida.

XUSUUS: Weelkii aad kalluunka ku gurtay rako yar (dhardhaaro) u samee oo dabadiisa dhulka kor uga yar qaad. Taasi waxay suura gelineysaa in ay biyuhu ka hooraan weelka.

Milixaynta Biyaha Leh (Milixaynta Qoyan)

Waxaad u baahan tahay:

  1. Weel dabool leh. Weelku waa inuu ahaado mid xagga sare u dhuuban.
  2. Dhawr dhagax oo nadiif ah.
  3. Milixda caadiga ah ee la cuno.
  4. Baaldi ama weel la mid ah.

Kalluunka yar (nooca sardiinka ah) haka bixin uur ku jirta ee u daa, waxay caawineysaa (fermentation) inaanu xumaan kalluunku mudda dheerna u yaallo.

Kalluunka weyn isaga ka bixi uur ku jirta. Milixda oo kaliya ayaa ku filan raajinta iyo daryeelka hilibkiisa. Si arrintaasi u suurta gasho waa la kala jeexaa kalluunka weyn iyo ka meel dhexaadka ahba, si ay milixdu hoos ugu gasho jidhka kalluunka.

  1. Soo qaado 3 meelood oo kalluun ah iyo meel milix ah.
  2. Weelkii aad haysatay milix gunta u dhig, milixdu waa in ay qarisaa guntiisa. Dul saar saf kalluun ah, milix ku dul daadi dabadeedna saf kalluun ah, sidaa ku wad ilaa uu ka buuxsamo weelku. Marka aad arrintaa waddo laba shay xasuusnaw. Safkii walba ee kalluun ahba inaad ku qariso milix inta aanad kalluun kale dul saarin iyo in aad kala fogeyso kalluunka marka aad safayso oo aanad isku cidhiidhyin. Dulsaar dabool. Soo qaado dhawr dhagax oo culus oo dul saar daboolka si ay hoos ugu raji. Waxaad arki doonta lakab milix ah oo daboolka karkiisa ku sameysmay waqti ka dib. Haddii aad arki weydo ka qaad daboolka oo ku kordhi milixda.

Diyaarinta Biyaha Lagu Milixaynayo Kalluunka

  1. Soo diyaarso seddex meelood oo biya ah iyo meel milix ah.
  2. Isku dar (solution) biyaha iyo milixda karkari oo dabadeedna qabooji.
  3. Farta ku day, adigoo iska hubinaya in ay weli kulkulul yihiin iyo in kale; haddii aanay kululeyn waa la isticmaali karaa.
  4. Kalluunkii iyo milixdii oo meeshii kuugu jira ka qaad daboolka, dabadeena ku dar biyaha milixda leh, oo korka kaga shub.

Qiiq ku Qallajinta

Waxaad u baahan tahay:

Diyaarinta biyaha lagu milixaynayo kalluunka haddii loo baahdo in la sii sameeyo waxaad u baahan tahay shantii ilaa lixdii meelood ee biyo ahba hal meel oo milix ah in aad ku darto.

Raajinta iyo daryeelidda kalluunka waxaa kamid ah in qiiq lagu shido, ulajeeddaduna waxay tahay in la kariyo dabadeedna la qallajiyo kalluunka. Habkaas waxaa lagu magacaabaa qiiq ku qallajin.

Qiiq ku qallajintu waxay noqon kartaa laba nooc: qallajin dhan iyo qallajin badh ah.

Qallajinta badhka ah waxaa lagu dhameystiraa qorraxda oo loo dhigo. Marka kalluunka loo diyaarinayo in qiiq lagu qallajiyo, sida badan lama isticmaalo kalluun milixaysan taasina waxaa loo yeelayaa dadka cuni doona ee loogu tala galayo oo laga yaabo in qaarkoodba aanay ka helin milixda badan iyo dhanaankeeda. Milixaynta kalluunkuna iyadoo ah mid ku xidhan kolba cimilada meesha la joogaa sida ay tahay, haddana waxaa la isku raacsan yahay milixayntu inay tahay habka ugu fiican ee kaydinta kalluunka marka laga eego xagga tayada.

Kalluunka qiiqa lagu shidaa marka la diyaarinayo wuxuu noqon karaa, mid dhan (madaxa laga gooyey ama laga goynba), mid la kala jeexay ama mid waslado laga dhigay.

  1. Haddi kalluunka horta la sii milixeeyay, waa inuu ahaado kalluunku mid biyo milix leh ku jirey toban daqiiqo ilaa sagaashan daqiiqo (10 – 90 daqiiqo) inta u dhaxaysa. Qiyaasta biyaha iyo milixdu waa lix meelood oo biya ah iyo meel milix ah. Waqtiga loo baahan yahay in kalluunku biyaha ku jiraana (10 – 90 daqiiqo), waa mid ku xidhan kolba kalluunka aad isticmaaleysaa inta uu le’eg yahay, kalluunka la diyaarinayaa sida uu yahay (mid dhan, mid kala jeexan, waslado) iyo buurida kalluunka. (Kalluunka aad u buurani wuxu u baahan yahay in uu biyaha ku jiraa waqti badan). Haddii kalluunka aan hore loo milixayn waa in si fiican loo maydho.
  2. Ul dheer u dhig oo ka soo laalaadi (daldal) kalluunka. Haddii meel aad ka soo laadlaadiso aad weydana is ag dhig dhig (isku ag wadh) oo yey istaabtaane ha kala yar durugsanaadan. Si qiiqu uu si isku mid ah ugu wada gaadho kalluunka kolba dhinac u rog inta habka qiijintu soconayo. Kalluunka isagoo dhawr nooc ah ayaa lagu soo laad laadiyaa xadhig dhuuban, dun ama bir soo qalloocda (hook) ha ahaado. Kalluun dhan, mid la kala jeexay ama waslado waaweyn ayaad soo laalaadin kartaa, adigoo ka xidhaya dabada ama ka daloolinaya qawlalka, waafyaha iyo wixi lamida.
  3. Meeshii dabka aad ugu tala gashay ku shid dab. Waa in ay ahaato kalluunka daldalan hoostiisa si qiiqu ugu boxo. Marka hore dabka aad ha u shidin, si uu u qallajiyo kalluunka intiisa sare. Dabadeed dabka aad u shid oo kulleylkiisa kordhi, adigoo dabayl badan u ogolaanaya, kulka badani wuxuu suurta gelinayaa inuu kalluunku karsamo. Karintu waa ilaa laba saacadood. Haddii aanu kalluunku si fiican u wada qallalin markii hore, waxa dhacaysa inuu marka dambe ee dabka aad ugu shiddo hilibku dhakhso u karsamo oo dabadeedna kalluunku ka soo dhaco halkii uu ka soo daldalaa ama u soo googgo’o. Marka karintu dhammaato, dabadeed qorraxda ayaad u dhigi si uu aad ugu sii qallalo. Markaad qorraxineyso dul saar kalluunka mara kaneeco, shaandho bir ah ama shabaq iyo wixi lamida, oo ka celiya diqsiga, baranbarada iyo xasharaadka kale ee wasakheeya cuntada.
  4. Kalluunka aad imika haysata ee aad ka celisay xasharaadkii wasakhda lahaa ee aan soo sheegnay, wuxuu jiri karaa dhawr bilood isagoo aan xumaan. Meelaha sayaxa iyo suyuca badan leh, waa in lagu ridaa kalluunka weel hawadu aanay soo geli karin, si aan sayax usoo gaadhin kalluunka. Haddii weelka noocaas ah aanad heli kareyn ama uu qaali kugu naqdo waa in aad kalluunka qallajisaa marka aad waqti joogtaba.

Qorraxinta Kalluunka (Qorrax ku Qallajinta)

Waxaad u baahan tahay:

  1. Kallun qiiq lagu qallajiyey.
  2. Kalluun aan la milixayn ama la qallajin.
  3. Kalluun lagu milixeeyay biyo qabaw oo milix leh.

Si ay qorraxintu u hagaagto waxaa loo baahan yahay inaad kala jeexdo kalluunka weyn iyo midka meel dhexaadka ahba. Waxa kale oo aad isticmaali kartaa kalluun la milixeeyay ama mid iska dhan oo aad madaxa ka goysay.

  1. Ku wadh kalluunka sariir dhulka ka kacsan dusheed. Sariirtu waa in ay ka sameysan tahay caw, xadhig ama sarab aad isugu dhaw iyo wixi lamida. Taasi waxay suurta gelineysaa si ay hawadu dhinac walba uga soo gasho. Sariirta aad kalluunka ku dul wadhay dhig meel hadh ah maalin ama laba kolba sida suyuca (humidity) meesha aad joogtaa ay tahay. Haddii aad kalluunka qorraxda dhigto waqti badan waxa dhacaysa in inta sare ay aad u qallasho oo qolof adag ay noqoto iyadoo xagga hoose ay weli qoyan tahay. Waxa habboon in aad ku horeysiiso meel hadh ah. Marka aad aragto korkii sare inuu qallalay, usoo bixi kalluunka qorraxda ilaa uu dhammaan wada qallalo.
  2. Habeenkii ama waqtiyada roobku da'ayo, usamee dabool adag, kor iyo hoosba uga samee, si aan sayaxu ugu soo noqon kalluunka.
  3. Marka uu diyaar yahay kalluunku, si sahlan uma qalloocin kartid. Haddii kalluun milixaysan aad markii hore isticmaashay, waxaad arkeysaa markaad daboolka ka qaado iyada oo dusha sare ay kaga sameysantay lakab milix ahi (layer of salt crystals).
  4. Kalluunka qallalani ha ahaado mid la milixeeyey ama mid aan la milixayne, wuxuu jiri karaa waqti badan gaar ahaan marka lagu kaydiyo meel hawada ka xidhan sida qaboojaha oo kale.

Kaydinta Kalluunka

Kalluunka la qallajay waxaa lagu kaydin karaa siyaaba kala duwan.

Adigoo isticmaala darin:

  1. Soo qaado kalluun qiiq lagu qallajiyey ama la qorraxiyey.
  2. Soo qaado darin oo fidi, dabadeedna is ku dul rasee kalluunka darinta dusheeda.
  3. Si fiican isugu soo laab darifyada darinta iyada oo kalluunkiina ku dhex jiro.
  4. Darifyada darinta isku tol.
  5. Darintii oo joonyad aad moodo ayaa kuu soo baxaysa. Ku rid taqdad ama shay kale si aanu kalluunku uburburin.

Isticmaalka weelka:

  1. Kalluunki oo xidhmo xidhmo isugu xidhan ku rid weel weyn oo bir ah hawaduna aanay geli karayn.
  2. Weel kale oo dhooba ah (sida ashummada oo kale) ku rid kalluunka oo ku dabool.

Isticmaalka

Kalluunki la hagaajey inta aan la isticmaalin, waa in horta laga meydho milixda, adigoo ku ridaya biyo qabaw oo macaan. Biyaha ku daa muddo hal habeen ilaa laba maalmood ah. Meelaha cimiladeedu ay kulushahay habeen wax ka badan kalluunka biyaha haku deyn.

Biyaha ka baddel dhawr jeer. Waxa kale oo aad sameyn kartaa in aad kalluunka sii jarjarto oo waslado aad ka dhigto, dabadeedna aad ku riddo biyo. U kuleyli biyaha soddon daqiiqo ilaa saacad.

Xusuus: Kalluunka qallalan oo dhami noocuu doono ha ahaadee waa in la kariyo inta aan la cunin ka hor.

Karinta Kalluunka

Marka milixdii ay ka maydhanto, ku karkari kalluunka biyo, khudaarna ku dar. Khudaarta lagu kariyo kalluunka waxa badanaaba kamid ah: tamaandhada, basasha iyo bataatada. Khudaarta cagaaran ee ay kamid yihiin: kaabashka, salaadka, bagalka, kaaroodka iyo wixi lamida.

Kalluunka Karkarsan (Boiled Fish)

Dubidda Ama Solidda

Casharka 10aad: Noocyada Kalluunka ee Baddeena

Cutubkan waxaad ku baran doontaa noocyo kalluun ah oo kamid ah kuwa laga dabto xeebaheena. Noocyadan dhamaantood waa la cunaa, waxaana lagaga dabtaa xeebaha qalabka ay kamid yihiin huuri iyo shabaag.

Baalashan soo socda waxaad ka arkeysaa warbixinno ku saabsan kalluunka oo ku habboon u fiirsasho.

  1. Waxa muujisan magaca kalluunka. Waxa laga yaabaa in ka aad u taqaanid mooyaane mid kale qoran yahay.
  2. Masawirka kalluunka oo qeybaha jidhka falaadho lagugu tusey.
  3. Astaamaha guud ee kalluunka noociisa lagu soo sooci karo. Isu fiiri astaamaha musawirka ku muujisan iyo hadalka hoos ku qoran.
  4. Midabbada kalluunka, in kasta oo midabku aanu ahayn wax lagu kala sooci karo kalluunka.
  5. Xajmiga iyo inta uu le’eg yahay kalluunkaasi, waxaa muujisan xajmiga caadiga ah iyo qiyaasta aan caadiga ahayn ee kalluunkaasi gaadhi karo.
  6. Tilmaamo gaar ah oo nooca kalluunkaasi leeyahay.
  7. Nooca cuntada uu kalluunkaasi quuto.
  8. Habka sayladda loo geeyo. Qaarkood waxaa sayladda la geeyaa isaga oo cusub qaarna hilibkiisa oo la milixeeyey ama la engejiyey.
  9. Sabada uu nooca kalluunkaasi ku nool yahay.

Waxa aan ku raja weyn nahay in marka si quman aad u deristid tilmaamahan in aad khibrad u yeelaneysid, nooca aad kalluumeysaneysid iyo meesha aad ka kalluumeysaneysid.

Tabadiin

Habdhiska muuqaleed: Kalluunkan jidhkiisu wuu kala baxsan yahay, washirku way yar yar yihiin waxayna ku badan yihiin jidhka intiisa hore. Labada baal-biyood ee miskuhu way isku dhow yihiin. Labada baal biyood miskood midka hore qodxo ayuu leeyahay. Wuxuu leeyahay af weyn iyo ilko.

Xajmiga: Kalluunka noocan ahi aad ayuu u kala waaweyn yahay, qaarkood dhererkooda waa 40 sentimitir, qaarna 180 sentimitir.

Cuntada: Wuxuu cunaa oo uu ku nool yahay kalluunka yar yar.

Sabada: Wuxuu ku badan yahay xeebaha. Kalluunka noocani waa nooca xeebaheena ku badan ee la qasaceeyo. Hilibkiisu wuu macaan yahay, wuxuuna leeyahay saliid badan.

Sayladda: Qaarkiis waa la qasaceeyaa, qaarna waa la qallajiyaa ama la milixiyaa.

Libaaxa

Habdhiska muuqaleed:

  1. Libaaxu ma laha laf run ah oo qalfoofkooda kamid ah.
  2. Malaha badanaaba qashar ama qolof.
  3. Noocyo badan baa jira, ugu yaraan 250 nooc ayaa jira, sida aad musawirka ku aragtid.
  4. Waxaa lagu yaqaan: madax ballaadhan iyo af balladhan (oo ilko sare leh).

Midabkiisa: Midabkoodu waa madow camaajiciir ah, buluuki iyo casuus.

Dherarka: Waa 1 mitir ilaa 17 mitir. In kasta oo ay waaweyn yihiin, halis ma aha.

Quutinta: Wuxuu libaaxu cunaa malayga ka yar yar sida carsaanyada, qaarkood waxay cunaan dhirta badda gunteeda ku taal.

Sabada: Dhawr meelood oo biyaha kamid ah baa laga helaa, sida biyaha diiran iyo kuwa xeebaha.

Sayladda: Waxaa sayladda la geeyaa isaga oo cusub, hayeeshee intiisa badan waa la milixiyaa. Noocyo libaaxa kamid ah ayaa halis ah oo weerara mallayga iyo dadkaba. Waxayna noocani ku helaan cuntadooda uris ay uriyaan wixii u dhaw. Waxaana la yidhaahdaa haddii dhiig yar badda kaaga dhaco, libaaxu wuu soo raacaa.

Subsariin

Habdhiska muuqaleed: Noocani wuxuu leeyahay jidh kala baxsan oo dheer. Wuxuu leeyahay qashar aan badneyn. Wuxuu leeyahay laba baalbiyood oo ka hore ay ku yaaliin shan qodxood. Wuxuu leeyahay af weyn oo ay hareeraha kaga yaaliin qolofi. Afka fuqiisa sare wuxuu ku leeyahay laba miciyood. Sameyska iyo qaabka jidhka darteed aad ayuu u dheereeya marka uu dabaalanayo.

Midabka: Wuxuu ku leeyahay dusha sare midab buluuki ah bogga hoosana waa qalin. Dhinac kasta wuxuu ku leeyahay 18 jiitimood oo madmadow.

Dhererka: Xajmiga caadiga ahi waa 100 sentimitir ilaa 150 sentimitir, qaarkood waxay gaadhaan 180 sentimitir.

Cuntada: Wuxuu cunaa kalluunka ka yar yar.

Sabada: Wuxuu ku badan yahay xeebaha aan hoos u godneyn.

Tilmaan guud: Waa kalluunka ugu haliseysan, waxayna weeraraan qofka kalluumeysanaya.

Sayladda: Sidiisa ayaa seyladda lagu geyn karaa. Hase yeeshee marar baa la engejaa ama la khamiiriyaa.

Codweyn ama Birbirtooy

Habdhiska muuqaleed: Noocan jidhkiisu wuu kala baxsan yahay, wuxuu leeyahay af balaadhan iyo miciyo aad u xooggan. Noocan qaabkiisu aad ayuu u kala geddisan yahay, isla markaana midabo kala duwan ayuu leeyahay. Wuxuu leeyahay baalbiyood-miskeed leh 11 qodxood. Qashirku wuxuu bilawdaa indhaha dabadooda ilaa indhaha gadaashooda.

Midabka: Midabo badan ayuu leeyahay, waxase ay u badan yihiin casaan, qaarkoodna waa huruud cawlimaad ku jiro. Noocyada qaarkood waxay dhinacyada ku leeyihiin liidimo ama baro madaw.

Xajmiga: Xajmiga caadiga ahi waa 25 sentimitir ilaa 60 sentimitir, qaarbaase gaadha 120 sentimitir.

Sabada: Waxa uu ku badan yahay xeebaha. Marka biyaha laga soo saaro wuxuu isla dhacaa ilkaha, sidaas darteed dhibaato ayuu gaadhsiin karaa qofka. Hase yeeshee qaniinyadiisu malaha sun.

Sayladda: Sidiisa ayaa loo gadan karaa, waana la milixin karaa.

Buraaso

Habdhiska muuqaleed: Waxay isku dhow yihiin kalluunka yunbi. Wuxuu leeyahay jidh kala jiidan. Waxaa astaan u ah oo dhaqso loogu garan karaa fiiqtin kasoo taagan meel ka dambaysa baalbiyood-miskeedka. Baalbiyoodka dabadu wuxuu leeyahay laba qodxood. Baalbiyood garbeedka horena wuxuu leeyahay siddeed qodxood. Noocani kuma badna qoloftu.

Midabka: Bogga sare waa cagaar ama buluuki cagaar ku jiro. Bogga hoose waa qalin caddaan ku jiro. Baalbiyoodku waa huruud.

Dhererka: Caadigu waa 25 sentimitir, ugu badnaanna 35 sentimitir.

Quutinta: Wuxuu quutaa xayawaanka yaryar ee badda gunteeda ku nool.

Sabada: Waxaa laga helaa xeebaha biyahoodu diiran yihiin.

Sayladda: Isaga oo cusub ayaa la geyn karaa sayladda, mararna waa la engejiyaa oo la milixeeyaa. Waxaa loo isticmaalaa culaaf kalluunka kale lagu dabo.

Matako iyo Gashashi

Habdhiska muuqaleed:

  1. Xajmiga noocani ma weyna, af yar oo ilko naqani ku yaallaan buu leeyahay.
  2. Baalbiyood-miskoodkoodu waa ilaa 10 qodxood.

Midabka: Midabo kala gedisan ayuu leeyahay, kan qalinka ah baana ugu badan.

Muuqa: Qaar baa leh liidimo aan aad u muuqan, qaarna liidimo aad u muuqda, qaarna liidimo ama baro aad u madow.

Dherer: 25 – 45 sentimitir, ugu badnaan 80 sentimitir.

Qashirka: Adihiisu waa yar yar yihiin, hadaad taabatidna waa ku mudi karaan.

Sabada: Waxaa laga helaa biyaha sare iyo biyo-xeebeedka.

Quutinta: Xayawaanada naqan, carsaanyada, alaxida iyo malayga yaryar.

Saylada: Waxaa la iibgeeyaa isaga oo cusub, waana la milixin karaa.

Dheg-Guduud ama Dhabakho

Habdhiska muuqaleed: Jidh kala baxsan oo aad moodid in uu hilibkiisu isku jiro, wuxuuna gaar ahaan leeyahay af dhuuban oo qashir lahayn. Afkiisu waa caadi, ilko yarna waa leeyahay. Baalbiyoodkiisa midgeed waa ilaa iyo 10 qodxood.

Midabka: Waa buluug caamajiiciir ah.

Dhererka: 20 ila 50 sentimitir, ugu badnaan 40 sentimitir – 90 sentimitir.

Quutinta: Wuxuu cunaa xayawaanada yaryar ee ku nool badda gunteeda.

Sabada: Wuxuu ku nool yahay xeebaha, siiba burciidaha guntooda, oo aan ka yareen 50 mitir. Hilib badan buu noocani leeyahay. Hilibkiisu waa wanaagsan yahay.

Sayladda: Isaga oo cusub ayuu iib gali kara.

Funni

Habdhiska muuqaleed:

  1. Jidh kala baxsan oo aan qashar lahayn.
  2. Baalbiyoodka dabadiisu sida saqafta oo kale ayuu u feedhan yahay.

Midab: Midabkiisu waa isku jir, ama midabo badan oo isku jira.

Dherer: 20 ilaa 30 sentimitir sida caadiga ah, ugu badnaan 45 sentimitir.

Quutinta: Wuxuu cunaa xayawaanada naqan ee badaha, mararka qaarkoodna malayda yaryar.

Sabada: Biyaha xeebaha, ila 45 mitir oo hoos ah, oo aan dhagxaan lahayn.

Saylada: Wuxuu sayladda ku galaa isaga oo cusub.

Yunbi, Caylo ama Eejo

Habdhiska muuqaleed: Jidhkiisu makala jiidna, qaarkood malaha qashir, inta badanise waxay leeyihiin qashir yaryar oo goobaaban, wuxuuna leeyahay af caadi ah iyo ilko jilicsan, qaarkoodna maba laha. Wuxuu leeyahay dabo aad u xoogan oo faro leh.

Midabka: Noocani wuxuu leeyahay midabo badan oo ku xidhan da’da kalluunka. Kalluunka yaryari wey ka midabo badan yihiin kuwa da’da weyn. Hase yeeshee midabka caadiga ahi waa madow dusha ah iyo bogga hoose oo qalin ah, ama dusha waxay noqon kartaa cagaar ama buluuki.

Dhererka: Dhererka caadiga ahi waa 50 ilaa 60 sentimitir, ka ugu weyni wuxuu gaadhi kara 70 ilaa 110 sentimitir.

Cuntada: Wuxuu cunaa kalluunka yaryar.

Sabada: Wuxuu ku badan yahay xeebaha aan hoos u godneyn.

Sayladda: Sidiisa ayaa loo gadan karaa, waana la engejin karaa.

Oodal

Habdhiska muuqaleed: Kalluunka oodal waa libaax dhab ah, waxayna leeyihiin jidh ballaadhan oo u suurto geliya inay ku noolaadaan badda hoose. Waxay leeyihiin daba dheer oo dhuuban. Afka, sanka daloolihiisa iyo shanta xariiq ee waafyuhuba waxay ku yaallaan bogga hoose ee kalluunka, indhuhuse waxay ku yaallaan jidhka xaggiisa sare. Jidhka libaaxyadani waa mid siman oo turxaan iyo qolof midna aan lahayn. Ilkahoodu waa kuwo yaryar, ballaadhan, oo aan fiiqnayn.

Midabada: Midabka kalluunkani wuxuu ubadan yahay cawl iyo cimiir dambaska oo kale ah. Boggoodu hoose sida badan waa caddaan, qaarbaase barbar madoobi ku dhafan tahay.

Xajmiga: Qaabka jidhkooda iyo xajmigooduna aad ayuu u kala fog yahay. Waxaad arki kartaa qaadh aad u waaweyn iyo yaryar ah (60 sentimitir ilaa 6 mitir).

Cuntada: Kalluunka noocan ahi waxay quutaan kalluunka yaryar, carsaanyada iyo wixi lamida.

Difaaca: Xagga daafacaadda naftooda iyo siday cadowgooda isaga dhiciyaan waa mid ku xidhan qaabka dhismaha jidhkooda. Qaarkood waxay leeyihiin daba dheer oo ay wax ku dhirbaaxaan, dhaawacyo halis ahna ugu geysan karaan cadowgooda. Hase yeeshee kalluunka noocani duulimaad ma sameeyo ilaa isaga lagusoo duulo.