Sahankii Rijaad Bartoon ee Afrikada Bari

Sahankii Rijaad Bartoon ee Afrikada Bari
Rijaad Faransis Bartoon
Tarjumo iyo Tifaftir: Boodhari Warsame

Hordhac

Akristeyaasha sharfanoow, waxa hortiinna yaal ee aan idin la wadaagayaa waa iskudayga tarjumid buug caan ah oo qoraa caan ahi ka qoray socdaal sahan ahaa oo uu sannadkii 1854tii ku maray inta u dhexaysa Berbera ilaa Harar, isaga oo waagaa xagga Badda Cas (Cadan) uga soo tallaabay carriga Soomaaliyeed. Waa buugga magaciisu aanu idin ku cusbayn ee la yiraahdo The First Footsteps in East Africa ee uu qoray Sir Richard Francis Burton.

Faa'iidada iyo danta noogu jirta tarjumashada qoraallada dunida kale ka soo baxa ee waxtarka leh intii la doono ayaa la isku adkayn karaa oo la is fari karaa, si ay noogu soo baxaan tarjumeyaal xirfad iyo xeelad wacan leh oo noo soo roga waxa aan la tirin karin ee cilmi nooc walba leh dunidu tarjumid ku kala rogato, waligeedna ku kala rogan jirtay af walba oo far la qoro leh. Taa waxaa dhiirigelin kara oo gacan xoog leh ka geysan kara in la helo tarjumeyaal ay ka go'antahay oo si heer sarraysa u yaqaan afkooda iyo ugu yaraan hal af oo kale iyo dad akhrisku dhaqan u noqdo oo doona in ay afkooda ku akhriyaan qoaraallada kala duwan ee dadyawga kale.

Hadda ba, tani waa mid ka mid ah shirrabyo dhawr ah, kuwo soo baxay iyo kuwo laaban, oo aan isku dayayo in aan dadkayga ku la wadaago miraha hibo aan is biday se ku kobci karta kaliya in aanan la yuururin ee dibadda ugu soo saaro dadkayga oo ay waagan la joogo si wayn u anfacayso. Wax badan ayaan ka bartay intii aan ku dhex jiray tarjumadan, in aan sidii ugu wacnayd oo garsoor ku dheehanyahay u haleelayna waa ku rajo waynahay, se loo joogee wixii falcelis ah ee ka soo laabta oo iyada ruuxeedu waxbarasho dheeraad ah iyo kabid qiime iigu fadhida noqon doonta. Wixii ilduuf iyo aqoon la'aan ku leexdaa waa xaggayga iyo xilqaadkayga, ifintooduna waa xaggiina iyo karaankiinna.

Hadda na, ku soo dhawaada taxanaha tarjuman; Sahankii Richard Burton ee Afrikada Bari.

Mahadsanidin in badan.

Cutubka 1aad: Kasoo Ambabixii Cadan

Shaki iiga ma jiro in ay jiraan dad badan oo iska indhatira dhabta Bariga Afrika, meel in yar uun oo 300 oo mayl ah Cadan u jirta, in ay ku taal magaalo u dhiganta Timbuktuda1 baas ee Galbeedka Fog lagu sheego. Dalmarradii Xabashida maray, sida; Salt2 iyo Stuart3, Krapf4 iyo Isenberg5, Barker6 iyo Rochet7 - haba sheegin iyaga kuwii kale oo badnaa e sii maqmaqiiqnaa ee fidinayay Diinta Katooliga Roomaanka. Dhammantood way isku dayeen in ay Harar mar uun gaaraan, iskudaygoodii se waxba ka ma suuroobin.

Harar amiirkeeda karaahiyada ah iyo dadkeeda cawaanta ahiba geeri ayay ugu gooddiyaan Gaalkii soo dhaafa darbiyadooda8. Merlin9 Neegar ah ayaa la yiri waxa uu ka faaliyay jab iyo halaag marka ugu horreysa ee Faranji carrigan cag soo dhigo10. Ajanabiga kuwa loogu necebyahay loogu na cadaawad badanyahay waa Ingiriiska. Harar waxa ay saldhig u ahayd addoonsiga dadka iyo ka ganacsigiisaba11, abeesalugalayda duqowdayna si fiican ayay u taaqaan waxa ay ka filato la kulanka gacanta adag ee Wali George12. Sidaa ayay dalmarayaashii suudhadhka madmadow iyo dharka haragga dhogorta leh ee qaaliga ah ku soo labbistay ku qanceen in aan magaaladaas la geli karin. Reer Yurub iyagu hadda waaba iska daayeen in ay u holladaan Harar.

Haddaba, waxaa sharaf wayn ii ah, gacaliye Lumsdenoow13, in aan adeegsado darajada magacayga Xaaji14 ah, si aan magaaladaa u galo, amiirkeeda u booqdo, aniga oo bed qabana soo noqdo, ka dib marka aan jebiyo burjiga adag ee meeshaa la geli waayay ilaalada ka haya. Maalinta ugu habboon sannadka Islaamka in la socdaalo, shaki la'aan, waa 6da Bisha Safar, taa oo Nabigu (nnk) sheegay in ay tahay maalintii Islaamku soo ifbaxay. Annagunana xataa iyada oo Cadan la joogo ayaannu haleeli weynay xilligaa ayaanka leh. Daahdaaheenna iyo mixnadaheennu waxay hordhac ku bannaan u ahaayeen safarkayaga aannu ku sii dhex mari doonno "Itoobiyaanka Lama-canaantaanka ah" ee qof Jove15 Agoosto jooga ah mooyee nin kale aanu inta la soo qadeeyo nabad kaga iman16.

Maalin Axad ah, 29kii Oktoobar 1854, ayaa lagu dhawaaqay in saadkeennii noo dhanyahay. Saaxiibkay Steinhauser dacaskii barakaynta ayuu iga soo daba tuuray (ducuu na faray). Abbaarihii 10 saac oo galabnimo ayaannu ka furannay Bandar Macalla, oo go'eennii inta jafjafannay ka soo shiraacannay dekedda. Markii aannu soo gaarnay doonnida ilaalada ah ayaannu rukhsaddeennii tusnay, intii aannaan badweynta shishe u bakhoolin. Waxaannu ku celcelinnay in aan Faatixada u marno Sheekh Maajid, ninkii hindisay jiheeyaha badmaaxda haga. Aaskii ayaa noo madoobaaday annaga oo cayaar ku tumanayna maayad cad oo is labarogaysa dusheed. Taas oo hirarkeeda mucjisada ah, si ay ahaataba, la moodo qayladhaantii farxad gelin jirtay dareenka badmaaxyadii Carbeed ee hore17.

Mar uun ayaa si lamafilaan ah weheliyeyaashaydii ilbaxnimo oo dhan ka sidbatay, sidii maro la iska muldhiyay oo kale. Markii Cadan la joogay niman xiirtay oo duubab Carbeed xiran ayay ahaayeen. Haddase dharkoodii oo dhan waa tuumiyeen, marka laga reebo qayd yar. War yaanan kugu daaline, waxay isu muujiyeen sidii Marooko madow18. Maxammad waxa uu afka ka buuxsaday Tubaako Surat qalafsan iyo magaad. Magaadku waxa uu ka dhiganyahay sidii basbaaska uu askariga Hindiga ahi caraqa19 ku darsado oo tubaakada ayuu jilciyaa si "gawsku u qabto". Guuleed madaxa ayuu bannaystay, xubin Afrika marka la joogo aan loogu ba talagelin in maro la saaro, wuxuuna ku subkaday xayr qadhmuun oo bari idaad laga shiilay. Ismaaciil oo ah madaxa ama naakhuudaha "foyst"-igayaga20 Sahalah wuxa uu bilaabay in uu beeb laga sameeyay tagoogo ari tubaako ku shito oo uu qaac afka ka sii daayo.

Shaqaalahayaga oo ka kooban 71 rag yar iyo wayn isugu jira, markii habeenkii dumay waxa aannu karsannay cambuulo haruur Jowaari21 ah oo ku iidaamannay xayr, waa oomati aanan kula jeclaadeen e. Cambuuladii waxaa loo cunay si foolxumadeeda Kaafirradu ay darajo dheeryihiin, marka aad u fiirsato raqidda, ruqruqaansiga, bushimo leefleefka, fara dhuuqa iyo ugu dambayn anqawyada oo faratir laga dhigtay.

Dabadeed neecawda debecsan ee bari ayaannu nuugnay. Halkaa ayaannu iyada oo qararkii baas ee Cadan Yarey ay wali muuqdaan darmaheennii dheegga sare ku fidsannay isuna diyaarinnay in aannu dayaxa hoostiisa seexanno.

Si kastaba ha ahaatee, si ayan warba u hayn ayay weheliyeyaashaydii dareemeen raynrayn iyo farxad dib ugu noqoshada deegaankoodii dabiiciga ahaa. Nin walba naynaas ayuu leeyahay, geed adayg iyo kaftan aan naxariis lahaynna waa loogu dawgalay masaakiintaan; mid gaaban iyo mid dheer, mid buuran iyo mid caato ah intaba. Mid ayaa hees dagaal isla kala bixiyay, mid kale hees jacayl ah ayuu ku dhuftay, mid kalana hees- badeed ayuu ku luuqeeyay. Mid kale oo afraad, igaar Ciise ah, oo wajigiisa dhagari ka muuqato, sida tolkiiba lagu yaqaan, ayaa inta roobka noo oddorosay heesta xilliroobaadkana noo qaaday.

Maansooyinkaas qooshan dhammaantood maaweelo wacan ayay ahaayeen, laakiin se middoodna si toos ah af Ingiriis loogu ma tarjumi karo iyaga oo aan nuxurkoodu qaar lumin ama aanay murtidooda wax iska dhimin, taas oo macnahooda baddali karta. Afgobaadsi walba waxaa weheliya qosol dhagac ah oo aan gowsna kugu harayn, gacmahaadis iyo sacab. Waxay dhaar ku mareen in cawo tan ka murti iyo maad badani ayan hore u soo marin, waxayna iiga garaabeen sida aan uga qatanahay qosolka iyo maadda iyo sida aanan awood ugu lahayn fahanka iyo ka qayb galka. Dhab ahaan ma aha xarfaanta reer Yurub oo kaliya kuwa ku dhex luma markii ay soo dhex galaan cawaan miiran, sida laga sheegay akhyaar kale oo dalmarro ahaa.

Hadda ayaan ku kala bari doonaa weheliyeyaashayda: maammuluhu waa Maxammad Maxamuud oo badanaa loogu yeero Xammaali. Waa saajin ciidanka booliska Cadan ka tirsan. Waxaa is kaaya baray laba xiddigle Dansey oo ah sarkaal, nasiib darro, aan jago siyaasadeed looga magacaabin Cadan. Xammaali waa qoordibile madax kuusan oo habacsan. Midabkiisu waa khad madow, jirkiisuna waa is le'egyahay oo labacsanyahay. Waa laba tilmaamood oo dhif ku ah tolkiis. Waxay ku masleeyaan Baaniyaal. Da'aad u yar ayuu ku agoomoobay, sida uu sheegayna markii caanihii xooluhu soo kareen ayuu qabiiladiisii Habar Garxajis (Isaaq) ka fakaday. Dabadeed wuxuu noqday kuuli addoonta la shaqeeya oo ka dul shaqaysta markab-uumi dagaal oo Hindiya leedahay. Markii uu u dallacay horjoogaha shaqaalaha ayuu dalmarrada u noqday adeege iyo tarjumaan, dhulal badan oo ay Masar iyo Kalkata22 ka mid yihiinnna waa uu u socdaalay. Ugu dambayntiina wuxu ku xasilay shaqada booliis Faranji . Wax ma akhriyo waxna ma qoro, waxaase ku duugan waaya'aragnimo shan iyo toban ilaa labaatan sano oo qardajeex ah u dhiganta. Khudbad dheer ayuu jeedin karaa. In kasta oo uusan salaad badan tukan se waa jilaa wanaagsan oo kaga qosliya daawatadiisa dhaajinta iyo jilidda xaflad Hindi, ciyaar Masaari, Carab iyo dareen xoogganaantooda hadalka, faraxumada Beershiya, indhadaygga Yurub, iyo islawaynida Turki.

Halabuur qaro wayn iyo dabamaryayn joogto ah oo uu ku soo bartay dalmarnimadiisii wuxuu ku mutaysan karaa in lagu magacaabo nin cilmi degay, laakiin meeshaa Soomaali u nugushahay darteed, wixii maskaxdiisa ku soo dhaca ma ceshado. Dadkani waxba ma qarsan karaan. Isha cad, sunniyaha urursan, sanka baloosha ah iyo bushimo gariirkooda ayaa fashila waxa uurkooda ku jira.

Adeegaha labaad ee aan doonayo in aan hortaada keenaa waa Guuleed, nin kale oo isaguna booliiska Cadmeed ka tirsan. Waa nin dhallinyaro ah oo reer wanaagsan ka soo jeeda. Wuxuu ka dhasahy Ismaaciil Carre, jilibka boqortooyada u ah lafta weyn ee Habar Garxajis. Aabbihi iyo walaalihiiba waa dad maalqabeenno ah oo Berbera agteeda dega. Sidaa oo ay tahay ayuu dalkiisii wuxuu ka soo cararay markuu toddoba ama siddeed jir midkood ahaa, dabadeedna wuxuu shaqaale ka noqday guri uu leeyahay nin subagga ka ganacsada oo magaalada Mukha23 deggan. Ka dib Cadan ayuu iskii uga shaqaysan jiray, dabadeedna meheraddiisii wuxuu ku dhammaystay shaqada booliiska. Waa nin dheer oo qalfoof nool ah, sida Soomaalidu u badantahay. Garbihiisu dhegeha ayay la simanyihiin, feerahiisu waxay u taagtaagan yihiin sidii maammi24, wajiggiisa xataa hal rodol oo hilib ah laguma arko, qaabkiisuna wuxuu u egyahay sidii shimbir weyd ah. Waxa aannu ugu yeernaa Guuleed Dheere, isaguna wuxuu ku jawaabaa, "dheeraani waa door, kul ay geedahana tahay". Waa geesi holac ah, maxaa yeelay khatar ayuu afka isaga shubaa libiqsi la'aan. Iimihiisu waa tabardarro iyo xaruurinimo solansiisa in ay jar ka tuurto, faraha oo gariira, koobta oo uu jajabiyo, iyo rasaasta oo uu dayaco. Intaa waxaa u weheliya gaajo, harraad iyo dhaxan midna uma adkaysan karo.

Kan saddeexaadi waa Cabdi Abokor, isaguna Garxajis ayuu ka dhashay. Waa qof cilmi wardigiisa iyo xariifnimadiisa darteed aannu ugu yeerno Wadaad "Yawmul Qiyaame"25. Waa nin qiyaas ahaan afartan jir ah, da'diisase aad ugu duq ah, indho khayaano oo yaryar godgodan ah iskuna dhow leh, san qaroofan, gar yar, sunniyo soo foocsan, ilko feerfeeran26 iyo muuqaal bar yaraan xiga oo dherarka dhabarka uun ilqabato ku leh. Tallaabaqaadkiisu waa dhuukis sidii mukulaasha la moodo, wuxuuna muujiyaa dhoollacaddeyn xumaan maaggane ah. Kani salaad wajiga ma dhigo. Sidoo kale, wax ma qoro waxna ma akhriyo, laakiin Qur'aanka waxuu ka yaqaan jus ama laba uu Raatibka akhriskooda ku dheeraysto subixii iyo galabtii 27.

Marka lagu biiriyo kayd Xadiisyo bowsi ah oo uu yaqaan, wuxuu sidaa ku sheegtaa darajada Wadaad. Afkiisa waxaa saarsaaran oraahihii maadda lahaa ee Abu Zayd Al-Hilaali (Abu Zeid ibn Rizq Al-Hilaali)28 iyo Xumayd Ibn Mansuur29, hadalnaqsigiisuna waa argagaxisada rag ka fiigo oo kale. Aabbihi waagiisii hore wuxuu ahaa maalqabeen markab leh, laakiin markii

Cabdi iyo wiil kale lagu jirrabay ayaa maalkii oo dhammi dhaafay, wiilashiisiina ka kala tageen. Hadda wuxuu gebi ahaan ku tiirsanyahay sadaqada ugaaska Zaylac. Cabdi "Yawmul Qiyaame" xoolo door ah ayuu ku falaqsayray dalmarka dhul fog iyo mid dhowba, Harar ilaa Kutch30. Meel walba oo uu tago ardaalnimo xad-dhaaf ah ayuu ku kacay. Waa weheliye wanaagsan, naftiisana wuxuu u xakameeyaa sida nin edeb badan uu ka yahay xaggan Bariga. Marka aan degdegsannahay wuxuu na tusaaleeyaa " Samir waa sad janno, degdegna waa naar". Markii si qallafsan loola hadlo wuxuu yiraahdaa, "Wadne bir iyo rasaasi goysay daawo waa loo helaa, dhaawaca carrabku gaystose weligii ma biskoodo". Haddii mir badar ahi garka nagaga dhegto wuxuu yiraahdaa isagoo dhoolacaddeynaya " Beerta ugaar baa daaqaysa", annaguna waxaan ugu jawaabnaa " Shanta ayaan ku ugaaran doonnaa". Isaga oo wanaaggaas leh ayaan haddana ka gaabsaday ilaa uu igu qalqaaliyay barasaabka Zeylac oo ii sheegay in sidii wiil yar oo kale looga warqabo. Waxaa u weheliya ayaa la yiri in uu xog dawladeed u qaadi doono mid ka mid ugaasyada oo aad looga dambeeyo, kuwaasoo waddankaan aan joogno aan xogta warqad loogu qorin. Waxaan u arkaa in uu shaaciroole la jeclaysto yahay, cabbaynta beebabka tubaakada iyo cabbiddoodana uu ku xeeldheeryahay.

Intaa wixii ka soo hara, waa nin "hawshiisu yartahay hadalkiisuna badanyahay". Dabamaryayn aan dhammaad lahayn, fulaynimo iyo xoolo uusan lahayn hororsigood waxaa u dheer carrab baas lagu mannaystay.

Cadceeddii arooryaad ayaa nagu soo baxday oo inta na diirisay caadka nooga rogtay Mayuum iyo Sabaax, kuwa ku xeraysan xayndaabka iridda wayn leh ee Laxaha31 ka hooseeya. Muddo yar dabadeed waxaa noo muuqday carrigii Cajamta (dalkii Barbariyiinta)32, sida Soomaalidu dhulkooda ku magacawdo.

Carro hurdi hoose oo fidsan ah, lama dagaan cawadiisu aad u cukantahay, Ciise degganyahay, oo carri cawaan ku habboon ah. Sidaa ayuu noogu muuqday dhulkii Awdal. Duhurkii markii ay tahay ayaannu aragnay Ra's Al-bi'r - qarka uu ku dhammaado banka Tajorra oo ku foorara halka ay dhacdo Badda Banaatiin33 ee deggan. Maalinkii markay tahay waxaan taagannaa balbalo oo harkeeda sigaar ku cabnaa annaga oo si caloolxaarnaan leh u sheekaysanayna, cimmiladu wax qumman kama kulula xagaaga badaha Ingiriiska. Shaqaalihii doonnidu waxay isku dayeen inay tukadaan hase ahaatee si sahlan loogu ma sujuudi karin markab dushi. Islaamkana, sida Cumar ay la tahay, maba loogu talagelin ummad badmaaxyo ah salaad. Warka yaanan kugu badine, qorraxdii waynayd ee gaduudnayd aayar ayay ugu libidhay qar daah cir buluug ahi xeeray gadaashi. Waa halka ay ku taal tuulada Tojorra ee gubadka ah aan se wali gamaarin. Dhinaca ayaan dhulka dhignay iyada oo iftiinkii maalintu muuqdo oo isku qancinnay in aan indhaha is gelinno neecawda dhexdhexaadka ah aan se lagu gam'i karin.

Subaxii Oktoobar 31 ahayd, waxaan soo galnay khooriga Zaylac oo ay dhib badan ka mutaan doomaha degaanku. Waa ka gudubnay. Dhanka midig waxaa dhaca jasiiradda hoose ee Maasha oo laga xukumo "Magaalada ka Ganacsata addoonta" ee Tojorra, dhanka midigna laba jaamood oo carratuur badeed ah laguna kala magacaabo Ceebaad iyo Sacaada Diin. Labadaa meelood ayaa xilliga kulaylaha ah Zaylac ka gurataa kummannaan ukumaha xidinxiito-badeedda oo aad loo jecelyahay. Duhurkii ayay noo muuqatay meeshaan u soconnay. Zaylac waa uun iska marso Afrikaan oo caadi ah. Waa dhuuban dhul ciid madow oo qubbi bulug tiqa ahi ka sarreeyo, iliqabatuna tahay asal bulugga ugu mugdisan.

Dhismayaasha oo fallarajabis lehi kor ayay dhulka uga kacsanyihiin. Ka dib markii warbixin xun la iga soo siiyay, aad ayaan ugu farxay muuqaalka guryaha nuuradda cad leh iyo minnaaradaha ka taagtaagan saf guryo bunni ah dhinacyadana ay ka yaallaan qalcado goobaaban. Sidii aan aayar uga dusdusaynay jamallada ayay nagu soo baxady marso. Shiraaca ayaan u rognay, shaqaalihiina waxay u hoobteen in ay war hugun leh geeyaan.

Saaxiibtinnimadii u dhexaysay Amiirka Harar iyo barasaabka Zaylac waa kala go'day. Jidka loo maro Ciise Soomaali waxaa xiray qurgooyo loo geystay Mascuud, addoon uu aad u jeclaa Sharma'arke oo uu soo korsaday34. Amiirka Harar dhammaan soogalootiga wuu ka cayrshay magaalada, falxumo lagu kacay darteed. Intaa waxa sii dheer, furuq ayaa faro kulul ku haya degaanka oo beeralayda Gaalladu35 (Oromada) wax u gala iyo wax ka soo baxa midna ma oggola. Waxaa ii farxad ah in aan xoogaa ka fikiray, gacaliye Lumsdenoow, xilqaadka uu leeyahay adeegsiga erayga "waa yeeli doonaa." Waxaa kaliya ee ii soo baxayna waa ku laabqabowsiga in "ciriiri walba fudeyd ka dambeeyo." Doonni huuri ka weyni Zaylac ma ag mari karto. Markaan mar iyo laba hardinnay jamalladii ayaa waxaa nala qummanaatay doontayada Sahalah ah ee wanaagsanna u door bidnay in aan barroosinka u dhigno.

Weheliyeyaashaydu waxay igu tirtirsiiyeen in aan labbisto. Aniga, beebkaygii iyo alaabooyinkii kale ee lagamamaarmaanka ahaa ayay laash na soo saareen. Wixii aan biyaha soo dhex jiirnaba xeebta ayay soo qotomiyeen. Ugu dambayntii, Baab al-Saaxil - Albaabka Badujeedka ah ee Waqooyi markay joogaan ayay waxay gudagaleen in ay isku mardaadiyaan geesinnimada toobab nadiif ah iyo toorreeyo dhaadheer oo docaha ugu xiran. Nin walbaa gaashaankiisii cududda bidix ayuu ka lulay, gacanta midigna ku qabsaday waran iyo hooto. Albaabka waranle dheer oo madoow ayaa nagu soo dhoweeyay "haye! U gudba barasaabka", dabadeedna dad ayaa soo xoomay, si ay u arkaan galtida. Iyada oo uu na kaxaynayo waardiyihii ayaannu, waddooyin lagu ma magacaabi karee, wadiiqooyin boor leh ka dalidhacyaynnay magaalo Carbeedda duqowday. Waxaan ku rafaadnay xoon dadweyne af-kala-hays ka soo haray oo na daawanaya. Ugu dambayntii waxaannu soo galnay irid caws ah, sidaana is aragnay annaga oo barasaabkii haleelnay.

Sharma'arke Cadan ayaan kula kulmay, halkaa oo si adag looga la soo dardaarmay badbaadadayda. Dabeecaddu waa tabtii ganacsade Muslim ah oo, si ay ahaataba, naga doonaya in aan sidii dad qalaad ugu muuqanno. Isbarid uu sii hormarshay afhayeenkayaga Xammaali ayaa ku xigtay soo geliddayadii. Sharma'arke wuxuu ku noolaa qol aan sidaa u qurxoonanyn, isaga oo cariish ama, aan iraahdee, mooro door biday, halka ay Nubaabta Hindiyada Ingiriisku u door bidaan bangalooyinka dadabta laalaadda leh oo kale. Derbiyadu waa nuurad, sagxadduna waa dhejis guryihiisa laba fookhleyaasha ah oo dhammi. Dhulku wuxuu ahaa qoyaan aan nasiino lahayn, gidaarrada dhiska ah qaarkoodna waxaa ku safan jiimbaarro lagu goglay joodariyo iyo barkimo xariir ah. Waa wax u dhaxeeya diifaan (jiimbaar Hindi) iyo kursi gaarifaras. Waxyaalaha sharaxaadda u ahi waxay ahaayeen kaliya dhawr shay oo hub iyo kuul qurux badan oo iridda ka lulatay.

Kursigii ugu wanaagsanaa ayaa la i fariisiyay. Midigta waxaa fariistay barasaabkii iyo Xammaali, iyada oo uu xagga hoose ee qolka fariistay Maxammad Sharma'arke, malaakha dhaxalka xukunka u leh. Dadka intiisii kale kuraas, ama aan iraahdee, gambarro si nooc ah loo sameeyay ayay farfariisteen. Ma jiraan wax ka caajis badan kulankan oo kale. Beebabka iyo qaxwaha halkan laga ma yaqaan, waxay ku baddashaanna ma haystaan36. Barasaabka Zaylac, Xaaji Sharma'arke Cali Saalax, waa nin qiime leh. Lix iyo toban ayuu marka abtirsiinyaha la raaco ka tirsadaa Isxaaq, Xadramigii karaamaysnaa ee ay ka soo farcameen lafaha waaweyn ee Garxajis iyo Awal (Habar Awal). Cadawgiisu farac xaqiran in uu ka soo jeedo ayay ku tilmaamaan, midabfurnaantiisuna waxay u dhowdahay in sida la sheego aabbihii Saalax uu addoon Xabasheed ahaa. Waagiisii hore naakhuude deegaanka u dhashay ayuu ahaa, dabadeedna wuxuu is gaarsiiyey derajada ah in uu tolkii ugaas u noqdo37, gacan ba Ingiriiska ha ka helee. Taariikh sii horreysay, May 25, 1825, ayuu Kabtan Bangold oo markaa noo fadhiyay Mukha, shahaado iyo abaalmarin ka siiyay dhaawac xun oo ka soo gaaray waran garabka bidix laga la haleelay isaga oo badbaadinaya nolosha badmaaxyo Ingiriis ah38. Dabadeed Bombey ayuu aaday, halkaas oo tixgelin lagu la dhaqmi jiray. Abbaarihii 15 sano ka hor ayuu kala wareegay Sayid Maxammad Al-Barr xilka barasaabka Zaylac iyo inta ku tiirsan ee hoos tagta xukunka Baashaha Cusmaaniyiinta Carabiyada Galbeed. Xaaji Sharma'arke yaraantiisii geesi ayuu ahaa. Wax ma akhriyi karin waxna ma qori karin, hase ahaatee, afar waran ayuu goobta dagaalka la geli jiray, seefgooyadiisunu caan bay ahayd. Waa nin ilaa lixdameeyo jira, ugu yaraanna hal mitir iyo siddeetan iyo laba xubnood dherer jeeda oo addimo waaweyn iyo lafo culculus leh. Xooggiisa waxaa qariya qamiiska uu gashado.

Madaxa iyo shaaribadaba wuxuu u xiirtaa sida Shaaficiyada lagu yaqaan. Gar waynoo cillaaman oo labada harreed u jooga ayuu leeyahay.

Dhaqtar indhood oo uu Cadan u aaday ayuu il ku beelay, midda kalana hadda da' ayay la caddaatay. Labiskiisu waa sida Carabta, mar walbana wuxuu sitaa waran kaale af ballaaran ah oo samaydiisu qalin ka samaysanyahay. Da'diisa marka loo eego, waa nin xooggan, firfircoon, feejigan, oo mar walba fursad qaali ah gaadaya. Isaga oo lug kula jira qabriga ayuusan wax kale ku taamin in uu Berbera iyo Harar qabsado mooyaane - taas oo qabsashada ilaha badeed ka sokow xukunkiisa dhakhso u gaarsiisaynaysa ilaa carriga Xabasha. Qorshayaashiisa markaad dhegaysato waxaad u malaynaysaa in ay ka soo fuleen maskax dhallinyaranimada meesheedii ugu wanaagsanayd joogta. Xataa wuxuu oggolyahay in uu ka ganacsiga dadka oo si weyn looga faa'iido u cadaadiyo, si ay qorsheyaashaasi ugu fulaan39. Muddo saacad barkeed ah markaan la joogay ayuu Xaaji Sharma'arke jidadka Zaylac i sii mariyay oo i geeyay guri guryihiisa waaweyn ka mid ah oo darbigiisu dhoobo nuurad dhalaalaysa la marshay yahay. Dabaqa dhulka xiga waa sidii makhsin oo kale, raso sanduuqyo ah, miisaanno iyo dad wax iibsanaya ayaa ka buuxa. Hal jaranjaro oo foorarta markii hoos la aado, waxaa ku yaal qol dhuuban oo daahyo ilayska ka celiya leh. Sagxaddiisu waa ciid la jugeeyay, agab guri waa ka dayacanyahay, fiidmeerrana40 afka ayay ka hayaan. Qolal saddex ah oo yaryar ayaa la siman, xagga korena balakoon wixii aan dhedo iyo dhaxan ka baqahayni seexdaan ayuu ku leeyahay. Qol ayaa si hagar la'aan ah la iigu diyaariyay, dhulka dermo ayaa lagu goglay, barkimo darbiga ku tiirtiirsanna jiimbaar dangiigsi ayay u muuqdeen. Aniga waxaa la ii dhigay kursi roogag Beershiya laga keenay la saaray, xariir qurux badan iyo barkimo saatiin ahna lagu gedaamay. Xaajigu si xarrago leh ayuu noo fariisiyay, wuxuuna ku adkaystay, inkasta oo aan ka diiday, in uu isagu dhulka fariisto aniga oo kursiga sare ku fadhiya. Markii u casho noo dalbay ayuu ka garaabay in safarku daal badanyahay oo naga tegay, si aan u seexanno. Codadkii Islaamka ee aadka loo yiqiin ayaa maskaxdayda ku soo maaxday. Waa codka macaane mu'addinka ee dawan habeen la yeersho oo u dhigma khushuuca iyo quruxda uusan jirin. Masjidka deriska ahna Aammiin iyo "Allaahu Akbarta" oorgan walba ka sarreysa ayaa dhegtayda ka yeeray. Digniinta habeen ee magaalada waxaa laga yeeriyaa durbaan iridda koofureed saacaddu markay tahay todobada habeennimo. Haddana durbaanka labaad oo tobanka habeennimo la garaaco ayaa u diga aabbayaasha in ay tahay waqtigii hoyashada, tuugta iyo kuwa xodxodashada ku ballamayna waa u baaqii xilliga ciqaabta. Habeenka waxaa lagu soo dhoweeyaa heeso, ciyaaro iyo xaflado aroos. Meeshan dadka degaanku uma baahna in ay rukhsad u qaataan suugaantooda. Hummaagyo dad humbulan oo wada aammusan ah ayaa luuqyada magaalada is daba marayay. Qooraansi daaqad furnayd ka dib, waan seexday, aniga oo mar kale dareemaya sidii aan gurigaygii hurdo.

Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Email: bodhari.warsame@gmail.com

Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo bandhigaa degelka WardheerNews.

  1. Magaalo taariikh dheer leh oo waayo hore saldhig u ahayd ganacsiga iyo waxbarashada Islaamka Afrika. Dalka Maali ee Afrikada Galbeed ayay ku taal. - Tarjume
  2. Henry Salt. - Tarjume
  3. John Stuart. - Tarjume
  4. John Ludwig Krapf. - Tarjume
  5. Karl Wilhelm (Charles William) Isenberg. - Tarjume
  6. W.C. Barker (leutenant). - Tarjume
  7. Rochet d'Hericourt. - Tarjume
  8. Harar waxa ay lahaan jirtay walina ku sii dambeeya gidaarro (darbiyo) difaac ahaan ugu wareegsan oo irdo la ilaaliyo oo dhawr ah laga galo. - Tarjume
  9. Faaliye caan ahaa oo lagu sheego sheekooyinkii hore ee carri Ingriis iyo agagaarkiisa. Boqorkii Arthur la oran jiray ayuu la taliye u ahaa. - Tarjume
  10. Lafdhan Cruttenden wuxuu yiri, " dadka reer Harar waxa ay caado ahaan rumeysanyihiin in barwaaqada magaaladoodu ay ku tiirsantahay laga cesho socotada aan Muslimka ahayn oo dhan, Kiristaanka oo dhanna si gooni ah ayaa looga hor joogsadaa."
  11. Xayiraadahan gurracani waa kuwo lagu yaqaan madaxda Afrika oo xilliyada dagaalka, abaarta ama cudurrada la is qaadsiiyaa ay jiraan baqdin ciraanaysi darteed martida irdaha ka xidha. - Burton
  12. Wali George (kii abeesalugalayda wanjalay) waa sheeko diineed Nasraani ah; halkan wuxa uu uga jeedaa sarbeeb ah in kuwa addoonsiga iyo ka ganacsigiisa faraha kula jiraa ayan moogayn in Ingiriisku faraha saarayo haddii ay is helaan. - Tarjume
  13. J.G. Lumsden [James Grant Lumsden]. - Burton
  14. Sida loo badinayo, waxa uu adeegsan jiray oo uu meelo kalena ku maray magaca "Xaaji Cabdalla", isaga oo iska dhigaya wadaad Carbeed oo socoto ah. - Tarjume
  15. Jove ama Jaega waa qabiil dagaalyahanno ahaa oo Maraykanka asalkaa ah. Ilaa qarnigii 19aad xeebta Gobolka Florida ayay degaan u lahaayeen. Waxaa kale oo Jove lagu magacaabaa Jupiter oo asal ahaan ahaa magaca mid ka mid ah sanamyadii Giriiggii hore caabudi jireen dabadeedna loo bixiyay mid ka mid ah meerayaasha falagga sare. Far yar oo qabiilka aannu soo xusnay degi jireen ayaa Jupiter Inlet iyana la yiraahdaa. - Tarjume
  16. Xeerka Xabashida ee martida la xabbiso wuxuu u muuqdaa mid la Kiristaameeyay oo lagu beddelay xeerkii horee Itoobiyaanka ee martida la sadqayn jiray. Pedro Covilhaõ, ergaygii ugu horreeyay ee Boortaqiiska (1499), halkaa ayuu xabsi noloshiisii ku idlaystay oo ku dhintay. - Burton
  17. Akhristaha raba in uu ogaado wuxa uu ka dhex heli karaa qoraalka Herodotus kii Carbeed [kan kale ee magaca asalka lahaa waa taariikhyahankii Giriiggii hore], "Meadows of Gold and Mines of Gem [Muruuj al-dahab wa Macaadin al-Jawaahir]" ee uu Al-Mascuudi [Abuu Xasan Cali ibn Xuseen Al-Mascuudi] qoray. Waa sheekada yaabka leh ee ku saabsan hirarka teedsan iyo maayadaha heesaya ee Berbera iyo Jofuni (Raas Gaardafuy, [D]hulkii [U]dugga ee la yaqiin). - Burton
  18. Harag magad madow wanaagsan leh oo carriga Marooko (Magrib) lagu farsameeyo. Kabo iyo suuman wanwanaagsan ayaa laga soo saaraa. Halkan waxa uu ula jeedaa sarbeeb ka dhigan midabka qofka ee dugulka madow ah. - Tarjume
  19. Khamriguri Aasiya laga cabbo. Waxaa laga sameeyaa miro, badar, ama khasab sonkoreed la khamiiriyay. - Tarjume
  20. "Foyst" iyo "buss" waa magacyadii ay dalmareennaadii hore u yiqiinneed doomaha nusdheegga ah ee badahaa. - Burton
  21. Holcus Sorghum, badarka badanaa laga cuno Afrika iyo Carabiya. Soomaalidu waxa ay ku magacowdaa Haruur, dadka reer Yamaneedna Dhacaam ayay u yaqaannaan. - Burton
  22. Magaalo taariikh dheer leh oo Hindiya ku taal. - Tarjume
  23. Magaalo xeebta Badda Cas ee Yamaneed saaran oo nooc bunka kuwa ugu wanaagsan ah oo isla magacaa leh caan ku ah. - Tarjume
  24. Qalfoofkii ka haray maydadkii faraacinadii hore ee reer Masar. - Tarjume.
  25. Cabdi waa Cabdullaahi la soo gaabiyay, Abokor waa Abubakar la qalloociyay. "Yawmul Qiyaamaha" waxaa loola jeedaa fasakhanka ku dhacaya diinta Muslimka xilliga dunidu dhammaanayso. - Burton.
  26. Tilmaantani Soomalida dhexdeeda kuma yara, waxayna u haystaan in ay tahay calaamad dabci kululayl. - Burton
  27. Muslimku waa in uu marka hore akhriyaa ducooyinka Faralka ah ama kuwa Qur'aanka lagu amray, labaad waa kuwa sunnada ama dhaqankii Nabiga [n.n.k], saddexaadna waa Naafilada ama kuwa dheeraadka ah. Raatibka ama kuwa qofku iskii u laasinto waa kuwa ugu dambeeya dhammaantood, Wadaadkayagiise wuu ugu hormariyay, maxaa yeelay wuxuu ku luuqayn karaa isaga oo baqalkiisa fuushan dadkuna ay maqlayaan. - Burton
  28. Hoggaamiyihii qabiilka Carbeed ee Banuu Hilaal u hoggaamiayay inay qabsadaan oo ku fidaan carriga Magrib ee Afrikada Waqooyi. - Tarjume
  29. Laba caaqillo gabayahanno casriya ah oo Yaman laga yaqiin ahaa. - Burton
  30. Magaalo Hindiya ku taal. - Tarjume
  31. Baab al-Mandab ayuu magacaabay Xumayd halka ay falagga kaga taal darteed. Jabal Mayuum Afrika ayuu ku yaal, Jabal Zubaah ama Mucayin oo lagu qaddariyo in uu yahay meel uu ku xabaalanyahay waligii waynaa ee Sheekh Saciid wuxuu ku yaal Carabiya. - Burton. Pleiades waa cutubka xiddigaha ah ee Soomaalidu u taqaan Laxaha. - Tarjume
  32. "Cajam sida saxda waxaa laga wadaa dhammaan dadyawga aan Carabta ahayn. Masar iyo Aasiyada Dhexe waxaa hadda lagu keli yeelaa Beershiyiinta. Galbeedka iyo Badda Cas waxaa mar walba loo adeegsadaa tilmaanta carriga Soomaalida. Halkaa ayuu Bruce ka soo xigtay magacii Giriigga iyo Laatiinka ee xeebta Azamiya, De Sacy na [Antoine Isaac de Sacy (Baron Silvestre)] uu ka soo qaatay erayga "Ajan' oo khariidadahayaga ugu astaysan gobollada gudaha jira ee Geeska Afrika. Sidaa ayaa marka Afrika la joogo Al-Shaam oo sida saxda ah laga wado Dimishiq iyo Siiriya loo yaqaan Al-Xijaas. - Burton.
  33. Baxr al-Banaatiin, Gacanka Tajorra. - Burton
  34. Sidii Mascuud lagu dilay xaal Afrikaannimo ayay ku bannaannayd. Safarada addoomaha laga keeno Xabashiya ee Tojorra u socda badanaa waxaa wehelin jiray Reer Guullane, laf qabiilka wayn ee Ciise ka tirsan, faa'iidada jidka laga helana iyaga isku koobay. Markii loo soojeediyay in ay tolkooda guud faa'iidada la qaybsadaan ayay diideen, dabadeedna qabiilooyinkii kale ayaa kacdoomy waa ku beegan Agoosto 1854 oo jidkii gooyay. Safar wayn oo laba rac oo midkiiba ilaa 300 oo addoon yahay u kala socda ayaa jidka marayay. Ciisihii ayaa qaybtii koowaad weeraray oo ooryihii iyo addoomihi dhaddig kaxaystay, kuwaa oo ay ruuxiiba toban doollar ku iibsheen, si cawaannimo lehna u jarjareen tiro ilaa 100 wiil kor u dhaafsiisan. Dhacdadaa waxay keentay in jidka Tojorra si joogto ah u xirmo. Reer Guullanihii waxay caro ku dileen Mascuud oo si nabad ah dhulka ku marayay, maxaa yeelay Ina Xandun, abbaankiisii wuxuu ku ka mid ahaa kooxdii raaciyadooda weerartay. Isaga oo wax iibsanaya ayay lama filaan ugu soo baxeen oo dhabarka ka midiyeyeen intii aanu haleelin in uu is difaaco. - Burton
  35. Magacan oo loo adeegsado qawmiyadda Oromada ma wanaagsana in loogu yeero. Magaca saxda ah oo habbooni waa Oromo. - Tarjume
  36. Saylac gudaheeda maqaaxi bunka laga cabbo oo qur ahi kuma taal. Soomaalida reer magaalaha ahi dan badan uma galaan cabbitaankan Carbeed, sababta reer miyigu uga fogaadaanna lagu eedi mayo. "Haddii aannu qaxwe mar cabno, haddana waa u baahanaynaa, dabadeed xaggee ka helaynaa?' ayay yiraahdaan. Xabashida Kiristaanka ahina, si ay Muslimiinta isaga soocaan, sida loo badinayo, qaxwe iyo tobaakaba waa diidaan. Dhanka kale, Gaalladu waaba cunaan, jafalka oo la tumay ayaa subag lagu darsadaa. - Burton
  37. Ma ahan ugaasnimada Habar Garxajis ee la kala dhaxlo oo jifo gooni ahi leedahay. - Burton
  38. Sida soo socota ayuu u yiil nuqulka dukumiintigu: "Shahaadadaan oo uu weheliyo Labbis Sharafeed, waxa uu uqaybsanaha Siyaadda Britishka u fadhiya Mukha guddoonsiiyay Naakhuude Sharma'arke Cali [Saalax], maragkacaa oo u taagan ka abaalmarinta ficilkiisii dadnimo ee geesinnimada lahaa ee Dekedda Berbera, xeebta Afrika, April 10, 1825, uu ku badbaadiyay nafta Kabtan William Lingard, sarkaalkii ugu sarreeyay Markabkii Mary Anne, markii markabkaa ay weerareen oo ay bililiqaysteen dadka degaanku. Sidaa awgeed, Naakhuudahaa la xusay waxaa si adag loola socodsiinayaa in ay ka warqabaan xafiisyada Yurubiyaanku guud ahaan, gaar ahaan wuxuu codsigu ku socdaa dhammaan ragga Ingiriiska ah ee xeebahaa booqanaya'. - Burton
  39. Intii aan Saylac joogay, tiro yar oo addoomo ah ayaa dibadda laga soo iibsaday, iyada oo ay ugu wacantahay waddada oo la xiray. Waayihii hore suuqu si fiican ayuu u cammirnaa. Tirada sanadkii loo dhoofiyo Mukha, Xudayda, Jidda iyo Berbera waxay u dhaxsay 600 ilaa 1000 ruux. Xaajigu qofkiiba wuxuu canshuur ka qaadan jiray hal "Qarshi" oo dahab ah, ama qiyaas ahaan doollarka afar-meeloodoo saddexdi. - Burton
  40. "Fiidmeer', waa magaca Soomaaliga ah ee bat. Xayawaannadaa yaryar guryaha laga ma jafo, maxaa yeelay dakhsiga iyo kaneecada oo ibtilada dhulka Soomaaliyeed ah ayay ka dhawraan. Dakhsigu kaymaha tii tii xoolo joogaan ba waa ka buuxaa, isaga oo dudad ahna socotada ayuu ku degaa. Dabaylaha Maansuunka ka hor qaniinyadoodu waa xanuun badantahay, gaar ahaan qaniinyada nooca yaryar ee cagaaran. Waxaa kale oo jira nooc guduudan oo la yiraahdo "Dukhsi cas', oo suntiisu, sida dadku qabo, ay hunqaaco keento. Nooca dambe, oo ku badan Golis iyo silsiladda kuraha dhulka Berberaad xilliga qaboobaha, wax dhib ah ma leh. Qaniinyada kaneecadu, sida isla dadku qabo, waxay keentaa qandho daran. Ciraanayskani, sida ay u badantahay, wuxuu ka soo jeedaa dhabta ah in kaneecada qandhooyinku ay isku mar kacaan. - Burton. [Haddii si kale loo dhigo, Soomaalidu waxay ogaadeen xiriirka ka dhaxeeya kaneecada iyo qandhada wax badan ka hor intii aan Yurub laga ogaan dhammaadkii qarnigii 19aad. Quinin-tu in ay malaariyada daawo u tahay waxaa la ogaa ilaa 1700 C.D., laakiin doorka ay ka qaadato kaneecadu lama ogaan ilaa laba qarni ka dib]. - Gordon Waterfield.

Cutubka 2aad: Nolosha Zaylac

Kugu daalin maayo gacaliye Lumsdenoow faallada 26 maalmood oo aan wax la sheegaa dhicin, isu wada eg, oo aan wax xiise ah lahayn. Maalmo hurdo, beeb nuugid iyo qaxweysi Zaylac la isku dhaafshay uun iska dheh. Intii waddo lagu safro la sii raadinayay, dalmariyeyaal ayaa la sii xulay, awr gaadiid ah ayaa la iibiyay, dameerro ayaa loo cid diray, waxyaalihii socdaal Afrikaan sahaydi looga walwal qabay oo dhanna waa la qalqaaliyay. Laakiin, sadcaal dhul Soomaaliyeed in uu wax wanaagsan kula yahay ayaa dhici karta, wixii aan kala kulanno se si kooban oo waafi ah ayaan kuugu soo tebin doonaa.

Oogta hore ee waaberi ayaannu kacnaa, annaga oo mahadinaynna in aan kaneeco iyo huur ka baxsannay. Ardaaga ayaan u baxnaa, halkaa oo cibaadada lagu guto, dabadeedna aan isku mashquulinno daawashada deriskeenna. Laba ruux oo dadkii deriska ka mid ahaa ayaa gaar ahaan i xiise geliyay. Waa laba gabdhood oo walaalo kala hooya ah. Midi waa gabar yar, dafdaf u dhalatay, oo hooyadeed Hindiyad tahay. Midabkeeda shukulaadka u eg, timaha dhaadheer iyo sanka sida shimbirta baqbaqaada qaroofan1 ayay aad uga helaan akhyaarta Zaylac. Iyaduna waxay ku soo jiidataa timo shanlaysi, ciyaar, hees iyo gabdhaha shaqaalaha ah oo ay dhangalaasayso mar Alla marka ay nin xiisaynaya sheedda uga jeeddo. Inteenna miyirka qabtaa marka aannu aragno waxaannu soo xigannaa baydadkaan caanka ah:

Boqor aan caaddil ahayni waa daruur aan roob lahayn
Caaqil aan wanaag gellin na waa beer aan badar lahayn
Dhallinyaro aan edeb lahynina waa faras aan xakame lahayn
Waayeel aan murti lahaynina waa dhul aan biyo lahayn
Dumar aan xishoonna waa kibis aan milix lahayn.

Gabadha kale waa marwo Xabashi ka soo jeedda oo midabkeedu wax yar ka madowyahay Jibsi2, gambadeeda buluugga ifaya ah iyo maryaheeda aadka u xarxardhan ayaana quruxdeeda sii muujinaya. Wejiga ayay khaddaab ku leedahay. Daliig muuqata ayaa foodda laga soo bilaabo ilaa sanka caaraddiisa ka siman. Sunniyaha dhexdooda ayay calaamad farraar saddexfarrey ah ku qurxisatay, afka dhinacyadiisa iyo wajigana dhibco qurxinaya ayay ku leedahay. Waxay maalinta isku dhaafisaa in ay gabdhaha shaqaalaha ah kormeerto, dermo falkin3 iyo shaqada dunxariirinta u dhiganta ee waddankan laga qabto. Dhakhso ayaannu isu barannay, ilaa heer aan salaanta is dhaafsanno. Waase ka shallaytaysanahay in aan iraahdo xoogaa fadeexo ah ayaa laga sheegayay deriskayga soo jiidashada leh. Mar iyo ka badan ayaa lagu qabtay iyada oo mid meel durugsan gacmaha uga baaqaysa.

Lixdii subaxnimo markii ay ahayd ayaan quraac badanaa ka kooban muufo badar laga sameeyay iyo solay idaad u soo degannay. Waqtigan la joogo caafimaadqab iyo nolol xalan ayaan sheeganayaa. Faratir ayaa garka hoostiisa la ii suray, sidii aan ilmo yar ahay, canaanna dhegahaa na loo saaraa marka aannu cunnada laasan weynno. Mar walba martida timaadda waa soo dhoweynaynnay. Halka aan fadhinaa waa sagxad goglan oo gambarro qoolaab u yaallaan, cunnada aad baan u boobnaa, cabbitaanna ma kala joojinno.

Cirwaynida Afrika waa wax naga yaabiyay! Halkii wiqiyad (28 garaam) oo aan Carabaha ku cuni jirnay ba lix ayaan halkaan u saarnaa. Biyaha macaan ee nooga dambeeyay wiyeerkii Isha Yamaneed ayay u badantahay in ay noogu wacanyihiin. Quraacdan arooryo waxaan ku khatinnay qaxwe iyo beeb, dabadeedna shaqadeennii uun hurdada ahayd ayaan isaga noqonnay. Mar dambe oo kutub barakaysan oo Carabi ku qoran la i siiyay ayaan isu diyaariyay in aan martida imanaysa qaabbilo. Darsin darsin ayay u yimaadaan rag midkoodna uusan shaqo mashquulisa lahayn. Kabaha ayay kaadka aqalka ku siibaan oo soo gudbaan iyagoo go'yaashooda huwan. Warmaha ayay dhinac ku tiirsadaan, iyagoo caaradda kor xijinaya. Kuwooda seefaha oo calaamad akhyaarnimo Bariga Afrika ka ah sitana cagahooda ayay dhigtaan. Gacanta oo dhan ayay isku salaamaan (mar aan faraha uun soo taagay waa la iga canaantay), marka si edboon gacmaha la isu sii daayana, labada qof kooda hooseeya (ama darajada yar) ayaa gacantiisa mariya xorta maradiisa.

Wax u dhigma anshaxa iyo maamuuska reer Yuurub ma laha. Maamuusid oo dhan waxay ugu magac dareen Shuql al-banaat, ama "shaqo gabdheed", waxayna isku la weynyihiin in ay tooda ku saxanyihiin, waa boor-isku-qarin cawaan dhagareed e. Laakiin, sidaa si la mid ah ayay uga maranyihiin isyeelyeel, khajilid iyo afxumo ba. Isku soo wada xoori oo, maamuus xumada waaba laga helaa carrigan.

Mararka qaarkood Maxammad Sharma'arke, curadka barasaabka, ayaa saacadahaas oo kale na soo booqda. Waa soddon jir qiyaastii, qof dheer oo dhuuban se is haysta, aan gar lahayn oo midab furan. Indho waaweyn iyo luqun dhererkeeda gabari jaman lahyd ayuu leeyahay. Meesha kaliya ee uusan ilqabadka ka lahayni waa afka oo soo yara foocsan - waa calaamaddii aan lagu kahdoomayn ee dhiig Afrikaan e. Dhaqaaqiisa xoog iyo laylsani ayaa ka muuqata. Si wacan ayuu booddada u yaqaan, waa orodyahan, waranka si fiican ayuu u ganaa, waana nin la qaadan karo. Tolki nin wax bartay ayay u tiriyaan, maadaama uu waxbarshada maaddiga ah Mukha ku dhigtay. Sida aabbihiis oo kale ayuu hadiyadaha necebyahay oo iska la weynyahay. Si isku day dhib leh ah ayaan ugu qanciyay in uu iga guddoomo khariido yar oo Qaaradda Aasia ah iyo bastoolad rifoolfar4 ah. Xiisihiisa ugu weyni waa kutubta. Wuxuu iga amaahday Abu Qaasinkeygii5, si uu u soo dheegto, in uu cilmiga diinta ka hadlana ka ma daalo.

Indhaha ayuu ka yara arag yareeyay akhris badan dartii, waxaana ku filan uun ka farxin yar in uu ka mahadceliyo. Maxammad hadda waa wiilka ugu weyn, wuxuuna u muuqdaa mid magaca qoyska xambaari doona, maadaama uu mar horeba 10 dumar ah soo guursaday. Hase ahaatee, laba wiil oo carruur uu dhalay ah waxaa dilay badowda Ciisaha. Subax walba marka uu aabbihii la kulmo gacanta ayuu ka dhunkadaa, isaguna wejiga ayuu gacan salaax ah ka mariyaa. Wuxuu ku taamaa dowladda Zaylac, wuxuuna sugayaa, si tan Xaajiga ka macquulsan, maalinta Berbera ay milkigiisa soo galayso oo ay dahab waliinjada ugu harqin doonto. "Calool nugaylka" aabbihi oo kale innaba ka ma muuqdo. Wuxuu u ololeeyaa ciqaabidda daran, si uu tolkii meel isaga xirana gabar Carab ah ayuu guursaday oo aan qof qaangaar ah iridda ka furayn. Somaalidu sida Isbaanyoolka oo kale ayay ku leeyihiin "annaga ayuu naga mid yahay, in kasta oo uu xoogaa naga maalqabeensanyahay." Markii se waayuhu is beddelaan oo nasiibku wareego, in ay hadalkooda ku saxanyihiin ayay u badantahay.

Martida kale waxaa ka mid ah Amiir al-Baxri ama Kabtanka Dekedda iyo Naqiib al-Caskar (taliyaha goobta), Maxammad Cumar al-Xamuumi. Kani waa mid ka mid ah tacabbirayaashii Xadramawd ee aadka ugu badan waddammada Carabta deriska la ah oo dhan. Waa uun iska tabtii Iswiiska Bariga6.

Waa dad geesinimo ka siman, hal'adayg leh, xoolaha ku fara'adayga oo daacad kuu ah inta mushaarkoodu u socdo. Cabsi ay Hindida baraqa nugul iyo Afrikaanku ka qabaan haladaygoodda iyo ka yoolgaarkooda darteed, oraah ayaa oranaysa "haddii aad la kulanto abeeso iyo Xadrami, abeesada badbaadi". Waa dad dhul cayr ah oo qallalan ka yimi, dunida meeshii ceshatana dega oo ka shaqaysta. Waxaa la yiraahdaa, guud ahaan ma jirto meel qorraxi ka soo baxdo oo aanu nin reer Xadramawd ahi joogin7. Ninkan oo hoggaamiya ciidan 40 nin8 ah wuxuu mararka qaarkood nooga mariyaa Kitaab al-Anwaar9 (Kitaabkii Ilaysyada), qisadii Abuu Jahal, Juudaha10 Islaamka oo aad loo fool xumeeyay. Mararka qaarkood waxaa yimaada Sayid Maxammad al-Barr, nin qara wayn oo ahaa barasaabkii hore ee Zaylac, welina aad loogu qaddariyo nasabnimadiisa. Waxaa weheliya Fiqi Aadan, caaqil farac xaqiran ka soo jeeda11. Marka ay soo muuqdaan sheekadu xikmad ayay isu beddeshaa. Mar diinta ayaannu ka doodnaa, mar kale siyaasad, marar kalena taariikh iyo cilmiyada bulshada ee kale. Waa sidaa oo haddana sahlana in aad taariikh kala dooddo dad ay isaga khaldanyihiin Miriam iyo Mary, ama aad siyaasad kala dooddo dad fikradda kaliya ee ay boqor ka haystaan tahay tuug caddeystay, ama aad diin kala dooddo rag wanaag heerka ugu sarreeya ku qiimaynaya hilbo la xaarantinimeeyay, ama aad juquraafi kala dooddo dad adduunka aragtidaa kooban ku cabbiraya. Haddana, inkastoo aan fikrado badan wadaagno, waxaa jira erayo badan oo sida hadal badnida laqbaha Oryantalka e habka Lakooniga12 lid ku ah. Markiiba gunta hadalka uma daadegaan, dadka kalena ugu yaraan kala bar wax aan la fahmi karin ayay uga dhiganyihiin waxa laga hadlayo13. Marka dadka meesha joogaa ay kulligood Soomaali yihiin waxaan qoraa Carabi, ama buug waxtar ii leh baan rogrogtaa ama kala soo dhex baxaa wax la xigan karo, sidii aan Bentley14 ka bartay. Marka dad Carab ahi joogaan, badanaa waxaan sheeko ka mariyaa buugga Kun iyo Kow Habeen15, buugga yaabka leh ee wax badan la tarjumay, wax badanna la rogrogay, wax aad u yarna laga fahmo xaggayagii. Waa buugga ugu caansan inta Iglan taal, Baybalka ka sokow, isla markaana ah kan loogu aqoon yaryahay. Sababtoo ah, shan meeloodoo meeli ma ba ku habboona tarjumaad, kuwa isugu kalsoonida badan dadka dadyawga Bariga darsaana ku ma dhacaan in ay aftahannimo ahaan inta soo hartay saddexmeelood oo meel tarjumaan. Taa darteed, akhristuha wuxuu hareer maraa macnaha isbarbardhigga oo ah qiimaha dhabta ah ee buugga. Farqiga u dhexeeya xiisihiisa iyo xiise la"aantiisa, asluub xumidiisa iyo sida dahabkan oo kale:

Ciidda teeda xun ku beer miraha camalka wanaagsan,
Wanaag ma lumo si kasta oo loo dhigo e.

Bog iyo laba markii dareenkaas samaawiga ah la dhaafana hablihii reer Baqdaad dhabta xammaaliga ayay ku fadhiyaan oo ku koolinayaan farakacayaar Pietro Aretino16 dili lahaa intaan tiisu gelin. Waxaa wax badan i soo booqda Topchi-Baashiga ama saanad-hayaha u xilsaaran hub nus darsin banaatiikh daldalool leh ah. Baashi Buzuuk ayaa Xijaaz looga yaqaan, Zaylacna hoggaamiyaha hubka madaafiicda goobta - waa nin belo ah. Jimceyaasha madaxa ayuu ii xiiraa, maalmaha kalena wuxuu iiga sheekeeyaa sheekooyin yaab leh oo ku saabsan shaqadii uu ka soo qabtay Dhulka Barakaysan (labada Xaram ama Baytal-Maqdis), sida sidii Kurdi Cismaan wiilkii uu soddogga u ahaa u qurjaray, Ibn Ruumi17, iyo sidii Turkchih Bilmaas uu u gowrici lahaa Maxammad Cali18 isagoo hurda. Mararka qaarkood qolka waxaa soo buuxiya Carab, sayiddo, ganacsato iyo dad kale oo meesha degay. Dhexdooda ku ma arag wax u dhigma oraahda mar walba la xigto ee ah "Qab Quraysheed iyo faanka Zaylac". Badanaa kulanku waa wada Soomaali afkooda ku hadla, qosolka isu jiibiya, buuqa, lugaha fidsada, oo dhulka is daadsha sida xoolaha.

Shiishad dhexda qotonta ayay wadaagaan, ilkahooda intaa waa cadayayaan, tubaakana waxay u cunaan sidii Iswiidish19. Isla mar ahaantaa, waxaan ku dangiigaa Kursiga ama jiinbaarta. Mararka qaarkood buug ayaan afka ku nuuxnuuxiyaa, si aan qaddarin u kasbado, ama xog guud ayaan kor ugu dheeraystaa, ama calaacalafaalis ayaan nasiibkooda uga sheegaa, ama ba shax xiddigis ayaan u sawiraa.

Malaha "ged cusub" ayaan la soo baxay haddii aan nolosha noocaas ah ka helo! Marka ugu horreysa, halkan ka ma jiro gole bulsho Xaawaley. Islaamku wuxuu u muuqdaa in uu si ulakac ah u dabciyay xiriirka ragga iyo dumarka u dhexeeya, si xiriirka ragga u dhaxeya loo adkeeyo20. Marka labaad, gurigaagu sinnaba qasrigaaga ma aha. Iridahaaga waa in aad xilli walba u furtaa saaxiibkaa. Haddii ay ka qabato in uu heeso (oriyo) markuu gudaha soo galo waa uu iska heesayaa. Ilaa aad qabatinto kelinnimo iyadoo la dhoobanyahay ama aadan xirfad dheer u lahayn xaadirinta maskaxda, waxaad halis u tahay in aad is madax marto oo aad si fudud u carooto. Waa in aad ka tagtaa dhammaan fikradahaaga gurracan oo aad muddo iska tuurtaa wixii ilaa waayo reer Yurub iska dhaadhicin jireen ee ay ka aamminsanaayeen edeb Hindi, akhyaarnimo Beershiyaan, martisoor Carbeed iyo sharaf Turki. War "kuwani xornimadii Eebbe bani Aaadanka u abuuray bay si dhab ah u sheegteen". Haddaba, qofkii in madaxa bannaan loo wada jeedo loogu xiiro aan doonaynow, ama arko saaxiibki oo guudka ku firanaya qolkaagii fadhiga, ama lehidiisii oo si xun loo gacmagacmaynayo, ama qof uusan weligi ba arag uu sidii widay run ah ula sheekaystow, Dhulka Soomaaliyeed ha isku iman. Waxaa shaki la"aan ah gacaliye L(umsden)ow, dareenkayga dartii, in aad igu xukumi doonto in aan anigiiba "cawaan barbarad ah noqday". Haddaba waa in aad xusuusnaataa, Afrika anigoo ku cusub ayaan ka imi Cadan iyo iska dabakawareeggeedii caajiska ahaa, gaardigii aan macnaha lahayn iyo maxkamad-askareedkeedii daaliska ahayd ee ummaddu u qaybsanayd qaybo baas; sida ragga shaqaalaha ah, ragga guutooyinka ciidan, ragga reer Madras21, ragga reer Bombey, saraakiisha reer "Yurub" iyo saraakiisha "madow".

Meeshii suugaantu ay ku koobnayd uun in aad barato uun xirfadda ka jawaabidda lakaadda cawaan qaar qaawan. Meeshii ay noloshu ka koobnayd xarigjiid xaqiran, is-nacayb, ceebayn iyo "tixraaca xukun sare". Meeshii isdhexgalka bulshada lagu burburinayay "xan" iyo fadeexadda kulannada yaryar ee gumaystayaasha. Meeshii ragga dhabta u jecel bulshada Xaawalayda ciriiriga lagu gelinayay! Halkii ay aad u adkayd in aad inan wacan shukaansato adigoo isla markaana sharafteeda iyo taadaba dhawraya, haddii laba goor lagugu arkana "xerada" oo dhammi dhaar ku marayso in ay wax hoose idin ka dhaxeeyaan. Meeshii xiska fayoobi joojiyaha duugtay, maskaxdiina bukaanjiiftada darandoorri ku gashay. Waxaa intaa u dheer halganka halista ah ee Magac yeelasho loogu jiro iyo dani-ku-baddayda xanuunka leh ee qofku xoolo yar sharaftiisa siisanayo!

Yurub caannimadu kun heer ayay leedahay, laga bilaabo hoggaamiyeyaal qaran ilaa kuwa bakhtiga duurjoogta cabbeeya22, dhammaantoodna xiniftan la"aan ayay wada noolyihiin. Marka la eego maxmiyadahan yaryar, magac hal meel ah uun buu ku soo ururay, taasina waa rubiyo lacag ah iyo garaaddo raadis. Ma jiro nin kaliya oo deriskiisa wanaag u quura. Ugu dambeyntiina, maamuus joogto ah uun baa laga daba wadaa noloshaas galtimacruufka ah. In aad bangaladaada meel ka baxsan sigaar ku cabtaa aad bay asluubta u dabamarsantahay. Booqashooyinka waa in aad gudataa 5 saac oo subaxnimo, 120° marka ay qarshada kulbeeggu abbaarayso. Waa lagu goynayaa guud ahaanba haddii aadan jaakaddaada xirnayn, sida ay doonto cimmiladu ha ahaatee. Haddii aad u bareerto in aad sharciyadaas dadka oo dhan u dhaxeeya jebiso, sida aniguba aan hadda falayo, haaraan ayaan madaxaaga laga shubayaa, magac baasna waa laguu bixinayaa23.

Abbaaraha shanta saac ee subaxnimo, marka biyaha ceelasha laga keeno, ayaa Xaajigu hadhimo noo soo dhiibaa. Kalaankal idaad oo aad u xayraysan, bariis cad, soor, ama mararka qaarkood mallay iyo badanaa caano garoor ah. Dhammaanteen Miis Wareegsan oo duqoobay ayaannu hareeraha ka fariisannaa. U malayn mayo in askartii Boqor Arthur24 ay weligood cirwayni ku gaareen ragga aniga halkaan ila fadhiya. Dabadeed beebab iyo qaxwe ayaan la istaagnaa, halkaas oo marka martida kale laga reebo, saaxiibbaday barqaseexad galaan, aniguna xusuusqor iyo akhriskaygii ayaan dib ugu noqdaa.

Siddeed saac oo duhurnimo markay ahayd, qaylo ayaa albaabka ka yeedhay. Haddii aannaan degdeg u furin waxaa nala weydiinayaa in aan Nasraani gudaha ku haysanno. Waxaa soo galay koox marti ah oo aad ugu hanweyn in waqti galabeedka is dhaafiyaan. Galabtaana sidaa ayaan ku wadnay ilaa qorraxdu liicday. Waa marka ay tahay in dakhsiga laga cararo ama ardaaga sare hawo loo doonto, ama socod loo labbisto. Badanaa magaalada dhanka bari ayaan uga baxnaa, aannagoo gaarna ban qabriyo duugoobay iyo ciid milix ah leh oo carsaanyo mooyee aanu noole kale oo dhaqaaqaa ku noolayn. Cirifka badda xiga waxaa ah masjid yar oo cooshad la isa sursuray ah. Hooskiisa ayaan fariisannaa oo ku ciyaarnaa nooc ciyaar qaab daran ah oo lagu magacaabo Shantarad, ama shax. Waa uun nooca hore oo wax laga beddalay. Badanaa annagoo ka fogaanayna shuqo dumareedyadaas ayaan shabbaaxtannaa, warma ganannaa, bootimaaleysannaa, ama qaalmarogad ku jimicsannaa. Hubka Soomaalidu door bidaani waa waranka, toorreyda iyo budhka dagaalka. Qaansada iyo leebabka sumaysani waxay gaar u yihiin bulshada dabaqaddeeda gunta ah; kuwa dadku yasaan ee yaqaan "cilmiga baas ee sunta halista ah lagu dhiinsho falaadha dhegaha leh". Isla mar ahaantaa, hubka qarxa way ka baqaan, waxayna ku sheegaan qalab fulay oo uu fulaygu kan ragga ugu geesisan ku halligi karo25.

Waranka Soomaalidu wuxuu u qaab egyahay Assegai-ga Raaska (Koofur Afrika). Waa dheeryahay, dhuubanyahay oo loodsami ogyahay. Samaydiisa kuxinnada leh waxaa laga gooyaa Dhebi, Dhiitacab iyo Maqaari la qallajiyay oo la xanaf tiray, dabadeedna xayr qadhmuun lagu subkaa. Badanaa waa midab hurdi furan ah, marmarna, sida Caraabiya oo kale waxaa qurxin ahaan loogu duubaa xasawi maar ah. Xil ayaa la iska saaraa in usha samaydu toosnaato, haddii kale riddadu waa qalloocanaysaa. Badhan iyo caarad dhuuban, xalleefsanna oo bir adadg oo Berbera iyo meelo kale ay tumaalladu ku tumaan laga sameeyay ayaa madaxa lagaga qurxiyaa. Dhererka samaydu wuxuu noqon karaa ilaa hal mitir iyo 42 sentimitir, afkuna wuxuu u dhexeeyaa 51 ilaa 56 sentimitir, waranka oo dhammina ilaa laba mitir iyo 15 sentimitir ayuu dherar le"egyahay. Dadka qaar waranka caaraddiida oo dhan ayay subkaan qaarna inta samayda iyo birtu iska galaan ama katiga oo kaliya. Si kastaba ahaatee, sida loo badanyahay dhammaan afka waa la madoobeeya inta marka hore la shido ilaa birtu casaato, dabadeedna waxaa lagu rugaa gees lo"aad. Magaalooyinka hal waran ayaa la qaataa, markii se la socdaalayo ama duullaan la aadayo laba ayaa la qaataa, sida dadka Tíbú-ga. Waa hooto yar oo gannidda loo adeegsado iyo waran shuqaynta loo adeegsado. Dagaalyahannada qaarkood, gaar ahaan Ciisuhu, waxay door bidaan waran xanaf leh oo culus, kaasoo aan gacantooda marna ba ka bixin.

Waranka dhawr siyaabood ayaa loo qabsadaa. Guud ahaan, suulka iyo faraha intooda hore ayaa lagu qabtaa waranka saddexmeelooddi tan madaxa u dhow, samaydana calaacasha ayaa la saaraa oo lagaga kilkilaa. Marka lagu dagaallamayo, waa dhif in hootada qiyaasta laba mitir meel ka dheer lagu gano - hubka culusna waxaa loo adeegsadaa "jafaynta". Isaga oo qaar qaawan ayuu waranluhu hore u ordaa, isaga oo si walba ugu eg qaab Kaafir, isla mar ahaantaa kan la soo weeraray waa ka gabbadaa oo gaashaan goobaaban oo uusan waranku karin ayuu u daruuraa. Markiisa ayuu kii gabbanayay weerar celiyaa oo isku dayaa in uu marka hore warankii lagu soo ganay jabsho isaga oo inta dhulka dhiga ku rableeynaya. Warmaha sahlani markii ay ka idlaadaan ayay labada dagaalmaagganaba toorreyaha la baxaan. Gacanta bidix qofka ayay isaga qabtaan, gacanta midigna si xooggan toorreyaha iska la dhacaan luqumaha iyo garbaha. Mar haddii halkaa la isla gaaro, dhakhso ayay xaaladdu dhinac ugu dhacdaa, dabadeedna kan guushu raacdo inta or halkudheg dhiillo ah ku dhufto ayuu gorodda kala baxaa cadawga dhimanaya oo haddana isa sii daayaa, si uu mid kale u haleelo. Waa hub carruureed ninka feejigani maalinta cad iska jiri karo, waranku se waa ku halis cawaweerarka ama kaynta, goorahaa oo isagaa oo aan la iska jirin la isku soo kilkili karo. Laylis ahaan, laba kabood oo dacas ah ayaan ciid qoton ugu aasnaa, meel qiyaas laba iyo toban yaardi jirta. Ganaaga khibradda lehi saddexdii riddaba mar ayuu la helaa yoolka. Toorreyda Soomaalidu waa bir qiyaas ilaa 45 sentimitir dherer jeedda, ballacana ilaa shan sentimitir, afku mudac yahay, labadeeda afna xiirexiire yihiin.

Daabkeedu waa gees lo"gisi ama geeso kale oo taab qabsashada hannaan ku leh ah, birdadabteedana maar lagu xardhay. Dhexda ayaa lagu xirtaa waxaa la geshaa gal ku tolan kiishad dhexda qofka ku labalaabanta. Caaraddeeda midigta ayaa la xijiyaa (foorar midig ), daabkana bidix ayaa loo dadbaa. Soomaalidu marka ay magaalada joogaan toorreydooda go"a ayay ka hoos marsadaan. Markase goobtu dagaal tahay, suunka marada waa laga kormariyaa, si ayan toorreydu u siiban. Mar walba xagga sare ayay tummaatida kaga keenaan qofka. Waa sida aya tahaye, marka hub gaaban dhanka hoose laga keeno si sahlan ayaa loo dalfin karaa, haddii qofka difaaca ahi xoog uu kan weerarka ah gacantiisa ku qabto leeyahay. Dhufashada weerarka ah gaashaanka ayaa loo daruuraa, dhaawaceeduna badanaa halis ma aha, haddaan dhabarka lala helin. Nuuxsaho yar oo qofka toorrey lala haleelaa falo ayaa sababi karta in ay garbaha dhexdooda kaga shalwato.

"Budhka" ama gaarruunka Soomaalidu wuxuu u egyahay "Tonga"-ha Kufaarta. Waa ul madax buuran, hal baac dherer jeedda oo nooc geed adag ah laga gooyay. Dhanka hore waa gamuuxanyahay, dhanka dambena si is le"eg ayay u jarantahay. Xurgufaha yaryar hub dhaawac weyn gaysta ma aha, badanaana qofka waa lagu halgaadaa ama si ba"an ayaa loo warfiya, halka gantaalka caaradda waranka gaashaanka loogu daruuro. Gaashaanku waa goobaabanyahay, dhexroorkiisuna waa ilaa 54 sentimitir qiyaas ahaan. Badawida qaarkood intaa waa ka sii ballaariyaan. Maadaama haragga wiyishu dhif yahay, waxaa badanaa laga sameeyaa harag dibi caadiga ah; ama sida la doorbido, haragga Biciidka ay Carabtu Wacalka u taqaan. Gaashaanka si qurxoon ayaa loo gooyaa, mar walbana markuu cusubyahay waa la dhawraa oo maro adag ayaa lagu dahaaraa. Qaybta buuran ee ee bartamaha ku aaddani si sahlan ayay waran u dalfin kartaa, gantaasha ugu xoogga badanina xataa qaybtiisa ugu nugul ma karto. Markaan la adeegsanayn gaashaanka cuddudda bidix ayaa laga lulaa, marka dagaal lagu jirana taabsinta dhexda ku taal ayaa gacanta bidix lagu qabtaa oo dibedda jirka ka fog loo taagaa. Mararka qaarkood Carab calooshoodushaqaystayaal ah Soomaalidana aad uga xirfad badan ayaa layliga nagu soo weheliya. Soomaalidu seefta ma yaqaannaan, gaashaankana iskaga ma difaaci karaan. Layliga toorreyda wax wayn kama yaqaannaan, hubkoodii hootada ahaa ayaaba carruurtii Bi'r Xaamid kaga adkaatay. Inkasta oo aanan bootimaaleysiga ka qayb gali kari karin, xushmada duubka ii xiran darti, haddana si dhakhso ah ayaan ninka Zaylac ugu xoogga badan ku caan baxay. Malaha sidaasi waa tan ugu fudud ee xushmad looga kasbado cawaan xoogga jirka uun qiimaysa maskaxdana heer hoose oo dhagar u adeegsi uun ku siman dhigay.

Marka aannu layliga ku daalno, darbiyada ayaa ka laabanaa oo aadnaa Iridda Koofureed ama Ashurbaarada. Halkan wiilasha ayaa "xeego" ulo iyo dhagxaan firfircooni sidii Iglan oo kale ugu ciyaara. Waa wiilal ragannimada dadka meesha deggan ku bannaan, se qaylo badan oo edeb daran, sida dhal cawaaneed oo dhammi ba tahay. Laba jir marka ay yihiin ayay billaabaan in ay midigta hoorsadaan oo nacnac ku weydiiyaan, haddii aad u diiddana camal xumo ayay dibadda soo dhiganayaan. Dadka magaaladu Gocos26 ayay madadaashaan oo si daran u cayaara, sidii Scotch linkers (?). Laba kooxood oo doobab iyo xaasley ah ayay u kala baxaan. Badanaa shilal ayaa ka dhex dhaca, ciyaartooyguna dharka ugu yar mooyee wax kale ma xiran karo, haddii kale isagoo calallo jiidaya ayaa garoonka bannaanka looga jiidayaa. Qolada guushu raacdo hees iyo cayaar ayay saacado magaalada ku dhex maraan, iyagoo warmahooda la soo baxa, halkudhegyadooda ku orinaya oo guulahooda ku faanaya. Donfatu-da Xabasheed, ama ku diganaya ciyaar dagaal (Wilwile) ay u dheeryihiin guullagaardis iyo faramuuqid raynrayn leh. Guul goob dagaal laga gaaray Yurub xataa sidaa loogu ma dabbaaldego. Shaqo la'aanta ayaa waxaa ugu wacan, sida premum mobile27-kii aabitey duulinta ahaa ee malaakhyada reer Hindiya oo kale. Waa uun iska iscarruureynta iyo faanka reer Bariga. Badanaa degmo reer miyi ah ayaan iridda banaankeeda ku aragnaa. Aqalladoodu waa ka qaab daranyihiin kuwo wal oo Jibsiga aan ku niqiin. Waa wax gaaban oo qaac badan, dhismahooduna aad u qaab daranyahay. Dadku waxay leeyihiin arag cawaannimo, si kale kuma garatide. Timo taaloog weyn leh, dhoobo asal leh lagu gaduudiyay, oo subag ka da"ayo ayaa Firin ama shanlo yar oo saddex ilig leh laga taagaa. Waa qori yar oo marna loo adeegsado shanlo ahaan marna in madaxa lagu xoqdo, marka uusan qofku doonayn in uu faraha subagga isaga bi"iyo. Mararka qaarna waxay ku baashaan baal goroyada inkaarta qaba ee tilmaamaya in ninka taagtay uu "ninkiisii dilooday". Maro suuf ah oo calal duugoobay oo uskag leh ah ayaa garbaha ugu dedan, mid kale oo la mid ahina dhexda ayay ugu xirantahay. Dhammaantood kabo saan qallafsan ah ayay illanyihiin, xarragada geesinnimana waxay isaga muujiyaan gaashaan, waran iyo toorreey (saddexanyo). Dumarka qaarkii aad ayay u qurux badnaan lahaayeen haddii aanay sida ragga wajiga u caratubin, waa calaamad Shaydaan oo foolashooda wada saaran e. Si caddaan ah ayay u barbar qaawanyihiin, hase ahaatee kor madoobi isagaa mar walba hu" isu ah. Xerada waxaa hareera tuban dameero, geelal, iyo koox Dhoohaneyaal dadka meesha dega ah oo markay i arkaan ashqaraar ciyaar iyo boodbood ku waasha. "Ninka cad! ninka cad!" ayay ku qayliyaan, "carara, carara, yuusan na cunine!"28 Mar mararka ka mid ah, si ay ahaydba, gabar yar oo madow, oo sida muuqatay ilaa shan ama lix jir ah, ayaa isubogiddayda29 shaki la"aan soo jiidatay. Jidadka magaalada ayay i daba socotay iyada oo igu leh "Waa Wanaagsan!"

Badwidu in ksta oo ay waji macbuus baqdin leh leeyihiin, haddana ma dabeecad xuma. Haweenku mudullada ayay ka soo yaacaan, si ay ii daawadaan oo igu qoslaan, ragguna waa igu dheygagaa, iyaga oo yaabban. Mar ayaan waxaan iri; "Wagar! Annaguna ayagaan u soo daawasho tagnay iyaguna annagay noo soo daawasho tageen, midabkooda ayaan ku dheygagsannahay iyaguna kaayaga ayay ku dhaygagsanyihiin!". Badwi Carabiga garanayay ayaa hadalkaa u tarjumay intii kale, iyaguna aad bay ugu maadeysteen. Waa tii gobollada kaawada laga qodo Iglanta ilbaxda ah ee socotada jidka maraysa "shiidka" lagu gano, ama Iskootlaanta fahmaysatay ee haddii lagugu arko timo xoogaa dhawr sentimitir yara dheer ama shaaribbo miiqan aad in lagugu soo "xoomo" oo lagu deldelo ku mutaysan karto, suuragal ii ma ahaateen in aan u dhex galo ama u dhexmaro sida aan dadkan cawaanta ah u dhex galo. Waa in aan soo noqonnaa inta aanay qorraxdu dhicin, markaas oo irridaha magaalada la xiro, furayaashana Xaajiga loo geeyo. Feejignaan hoogtay uun iska dheh, inta dameer qura ahi uu dhawr meelood darbiyada magaalada ka dusi karo! Salaaddii maqribka ayaa la addimay markii aan soo gelaynay. Weheliyeyaashayda midna ma tukado, markii se la weyddiiyo waxay kulligood ku jawaabaan oraah nin Ingiriis ahi necbaado, "Inshaa"Allah Bukra!" (berri, haddii Alle idmo)", waxay se ku roonyihiin xoogaa xishood ayay bulshada kaga dhuuntaan oo marka la cibaadeysanayo iyagaa ugu dambeeya.

Somaalidu, sida Afrikaanka kaleba, diinta kuma fiicna30. Marka lagu canaanto khamaarka oo la weyddiiyo waxa ay waxyaalaha la xaraantinimeeyay uga dhex baxi la"yihiin, waxay si fudud ugu jawaabaan, "maxaa yeelay waannu jecelnahay". Habeen habeennada ka mid ah, annagoo Ciise dhexdi deggan, waxaa i kiciyay cod qof dumar ah oo qaylo aad u dheer ku habaarramaysa. Habar weyn ayaa u muuqatay in ay ka cabanaysay ilkaxanuun, waxayna ku celcelinaysay tawaawaca ah" Ilaahoow ilkuhu ku xanuunaan, sidayda oo kale. Ilaahoow cirridku ku kaaraa, sidaydaa oo kale"31.

Waxaa jirta sheeko aad loo yaqaan oo la sheego Garaad Xirsi oo hadda garaad u ah qabiilka Bartire. Waa ayuu la kulmay socoto xujeey ah oo aan hubaysnayn. Wuxuu weyddiiyay waxa ay hubkoodii guryaha ugaga soo tageen. Waxay ugu jawaabeen, "Naxnu Mutawakiliin" - "dad talo saartay ayaannu nahay (Alle)". Habeenkii, markii uu si martigelin wacan leh u sooray ayuu mundulkii ugu soo galay oo u sheegay in faaliyihiisii ku amray in uu xaaji gawraco, isaga oo martidii qarracantay ka codsaday in ay mid caawa la gawraco iska soo xulaan. Qorituur ayay samaysteen oo midkood dhiibeen. Garaadkii meel mundul kale ah ayuu ninkii geeyay oo inta middidiisii lax dhiiggeed soo daray kula so noqday, si uu ugu sheego in ay haddana naf kale iska soo qabtaan. Xujeeydii oo aan faraxsanayn ayaa inta hal mar ah wada kacay cagaha wax ka dayey, ilaa fardooleydii oommanaha oo dhan ee garaadku ka daba diray ay ku adkaatay in ay soo qabtaan. Dabadeed hadiyado wacan ayuu soo siiyay, isaga oo "talasaarashada" Ilaahoodna aan xifaale yar ka marin. Badwida kuwooda ugu cawaansani waxay ku su"aalayaan meesha ilaah joogo. Marka ujeeddada su"aashooda la weydiiyana waxay ku jawaabaan "haddii Ciisuhu mar uun ay gacan ku dhigi lahaayeen, bartiisa ayay waran kaga gani lahaayeen. Yaa guryahoodii baaba"shay oo xoolahoodii iyo haweenkoodiiba ka laayey?" Iyagoo ku dheggan fikraddaa cawaannimada ah ee aysan awoodda u lahayn in ay fahmaan Jiraha Sare, haddana waxay rumaysanyihiin khuraafaad laga badbadshey kuwa ugu yaabka badan. Kuwo badan oo iyaga ka mid ah xaajiga (qof xajka u socda ama ka yimi) ku ma aabyoodaan, baqdin ay ka qabaan darteed in jalleecadiisa ama eray qura oo uu yiraahdaa ay dilayso.

Cashadeenna, oo iyana Xaajiga martisoorka wacani noo sameeyay, waa mid u dhiganta qadadeennii duhurnimo. Cashada ka dib waxaan nasasho ugu baxnay aqalka xaggiisa sare, si aan ugu raaxaysanno daawashada buuraha Tojorra iyo dayaxa fallaarihiisa cadcadi ay badda noo dhow dul ceegaagaan. Xidigga Waxaraxir ayaa sidii dheemmankii uga lusha ilikuwareedhayda xasilloon. Weegaar midabkiisu basali ciiraqoys fudud oo bulug casuus leh iyo caad doog furan ahi ku dahaaranyihiin yahay, sidii chrysopras (?) ayaa dayaxa hareeyay oo cirkana soo jiidasho gaar ah ku mannaystay. Muuqaalku waa mid dhab ahaan aad loogu riyaaqo. Gadaal waxaa naga ah dhul baaxad leh iyo buuralay himhimmowga qorraxdhaca moodda dhigay, walacda iftiinka cirkuna midab qalin ah ku dheehday oo ay degganyihiin cawaan kuwa ugu qabiidsani. Hummaagyada iyo mukulahooda mucjisada lehi argagax baas ayay ku ridaan laabta dalmarka. Xagga badda waxaa ka imanaya neecawda habeen iyo miyuusigga biyaha oo sidii shareeradii Daa"uud u macaan. Haseahaatee, codadka dhubuqlaha dhibceed iyo jagagacdu waxay la kallamaan qosolka dhurwaaga, ci"da weerka iyo uu"leynta dheeraatay ee yeyda. Amase, marka ay cimmiladu qabowdo dhanka hoose ayaan iska joognaa oo waxaa noo yimaada Maxammad Cumar oo noo sii wada akhriska "Book of Lights (Kitaab Al-Anwaar)" ama gabay cantarbaqash ah. Waxaan soo xigan doonaa tarjumada baydadka soo socda oo ka soo fulay gabayaaga laga daba dhacay Cabdiraxmaan Alburaaci, tusaale ku bannaan beerlaxawsiga hummaagsuugaaneedka Carbeed e:

No exile is the banished to the latter end of earth, (-)32
The exile is the banished to the coffin and the tomb.
He hath claims on the dwellers in the places of their birth
Whoso wandereth the world, for he lacketh him a home.
Then, blamer, blame me not, were my heart within thy breast,
The sigh would take the place of thy laughter and thy scorn.
Let me weep for the sin that debars my soul of rest,
The tear may yet avail, — all in vain I may not mourn!33

Woe! woe to thee, Flesh!— with a purer spirit now,
The death-day were a hope, and the judgment-hour a joy!
One morn I woke in pain, with a pallor on my brow,
As though the dreaded Angel were descending to destroy:
They brought to me a leech, saying, 'Heal him lest he die!'
On that day, by Allah, were his drugs a poor deceit!
They stripped me and bathed me, and closed the glazing eye,
And dispersed unto prayers, and to haggle for my sheet.
The prayers without a bow34 they prayed over me that day,
Brought nigh to me the bier, and disposed me within.
Four bare upon their shoulders this tenement of clay,
Friend and kinsmen in procession bore the dust of friend and kin.
They threw upon me mould of the tomb and went their way —
A guest, 'twould seem, had flitted from the dwellings of the tribe!
My gold and my treasures each a share they bore away,
Without thanks, without praise, with a jest and with a jibe.
My gold and my treasures each his share they bore away,
On me they left the weight! — with me they left the sin!
That night within the grave without hoard or child I lay,
No spouse, no friend were there, no comrade and no kin.
The wife of my youth, soon another husband found —
A stranger sat at home on the hearthstone of my sire.
My son became a slave, though not purchased nor bound,
The hireling of a stranger, who begrudged him his hire
Such, alas, is human life! such the horror of his death!
Man grows like a grass, like a god he sees no end.
Be wise, then, ere too late, brother! praise with every breath
The hand that can chastise, the arm that can defend:
And bless thou the Prophet, the averter of our ills,
While the lightning flasheth bright o'er the ocean and the hills.

Weheliyeyaashaydu hadda mala"awaalid iyo kuhaansi khuraafaad ayay isugu dhurteen. Mid ka mid ah ragga meesha jooga oo Saalimayn la yiraahdo, addoon madow oo Sawaaxil35 ka yimid, hadda na xoghaye u ah Xaajiga, ayaa tusbax nooga faaliya36. Faalku waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha Soomaalida. Ragga qaarkood waxaa looga dambeeyaa haleelidda saadaasha faalka; mararka baqdintu jirto ee maskaxda Aadanuhuna ay "khuraafaadka la aammino" u nugushahayna si joogto ah ayaa xirfaddooda loo tixraacaa. Markaan u kuur galay, waxaan ogaaday in waaya'arag Saalimayn uusan marnaba su"aal la waydiiyay jawaab xun ka bixin. Laakiin wuxuu si joogto ah ugu adkaystaa in ay ku wanaagsantahay in neef la gawraco ama sadaqo la baxsho, kuwaasoo marka badanaa la iska iloobo uu qiil ka dhigto marka shil dhaco. Dabadeed waxaan isu marinnaa sheekaxariirooyin Afrika ama ba malaha dunida oo dhan caan ka ah. Faransada casriga iyo sidii Talyaanigii horeba, "Qorismaris" waa uubato kaynta ku dhuumata, Beershiya waxay isu beddelaan madaxkuti, Bornou37 iyo Shawana38 waxay yeeshaan qaab libaaxyo, dhurwaayo iyo haramacadyo ah. Cir"aanaysigan sarbeebani waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa, sida curraafaysiga iyo cilmishaydaankaba, bani Aadanka iyo baqdintiisa uun. Tusaale ahaan, badawi sixir lagu yaqaan waa wax aad looga baqaa. Madaxkutida iyo waraabayaashuna waa la mid, labadaa waxyaalood ee argagaxa lehna si fudud ayaa la isu la xiriiriyaa. Waxaa la yaab ah, dadka awoodda u leh waxyaalahaan ayaa la ii tilmaamay, iyagoo iska dhigaya inay ka gartaan wajiyadooda. Zaylac waxaa la igu tusay Badawi magaciisa la yiraahdo Faarax Batuun oo mararka qaarkood dhurwaa isu beddela, si uu dhiig dadaad u dhadhamiyo darteed.

Muddo afartan sanadood ka hor ku beegan ayaa saddex walaalo ah oo kala ahaa Kayna, Fardayna iyo Sollan Golis oo Berbera agteeda ah loogu dilay dambi qorismarisnimo. Dambigaan waxa badanaa caddeeyaa sayn bahal oo dabada qofka ku taal oo la arko ka dib marka qofka lehi illoobo in uu ku xoqo qorisixirka, ama dhaawac aan caadi ahayn oo soo gaara marka uu bahalka yahay, marka uu mar kale dad isu beddelana nabarku jirka ka sii muuqdo. Cir"aanaysiga noocan ah waxaa iyana la xariirta iyada oo la rumaysanyahay in badwiyiin badani barteen afka shimbiraha iyo bahallada. Khuraafaad kale oo isna aad u faafay waa kan iksirka39 oo dunida xoololaydu ku nooshahay qaab geed yeesha. Sheekooyin la yaab leh ayaa laga sheegaa dhiilo caanood gorofyo ah oo inta si aan la filayn kurtun kanyta ugu kala gooyay la helay iyaga oo qalin ka buuxo, ama barwaaqo aan laga fakhrinayni ka soo maaxatay. Sida la rumeysanyahay, qaalinta lo"aad ee dhiinka ahi waxa ugu horreeya ee ay subaxii afka saartaa waa geedkaa mucjisada leh, sidaa daraadeed ayaa Soomaalidu aad isugu hawlaan ka warqabka oodqaadka subaxa hore ee qaalmaha lo"da ah ee midabka dhiinka ah leh. Marar kale waxaan maqalnaa sheekooyin baqdin leh oo laga sheego habro da" ah oo sida Jigar Khwar-ka Beershiya beerka dadka quuta. Waxay aad u jecelyihiin in ay carruurta yaryar qashaan, xataa dadka waaweyni kama xishoodaan in ay xirsiyo ay isku difaacaan ka xirtaan. Dhulkan sirqada waxaa loogu yeeraa bidcad ama qumayo. Waa erayo tilmaamaya sixirrey, midda ugu xumina waa tan dhasheeda cunta. Qofka dadqalatadani haleesho wax nabar ah laguma arko. Badanaa qofku waa tilmaamaa qumayada, dabadeedna saaxiibbadi ayaa garaaca ilaa ay nafta ka qaadaan ama ay daweyso. Sidaa ayaa kuwo badani ku shahiidaan, carriga Soomaaliyeedna habar dilkeed wax sidaa u sii weyn kama aha.

Galmada iyadu dhab ahaan sinna ba magac wanaagsan u ma laha. Halkan, sida meelo kale ba, kuwa liida ayaa ah kuwa ugu horreeya ee sharafta kaga ciyaara. Ku dhowaad dhammaan murannada Zaylac ka dhaca dumar ayay la xiriiraan. Sirqadu si ayay wax u fashaa tan yarina si kale, labadooduna is ma dhamaan xumaanta. Mid baa yiri "caqli haween waa rati diday". Mid kalena wuxuu yiri "Ilaah dumarka feer qalloocan ayuu ka abuuray, ninkii toosi is yiraahdana waa jabshaa". Malaha, si ay ahaataba, aabigaas iyo madaxgoosigaa guud ahaaneed ayay galmadu ku macaanaataa. Waxa ay iska ilaaliyaan soo qaaqaadkeeda gaar ahaaneed, mana jirto ummad ragga Faransiis kaga adag ka foogaanta ku soo hadalqaadidda dumarka ragga dhexdiisa oo aan Muslimiinta dumarka yasta ahayn.

Laba saacadood oo sheeko ah dabadeed ayay martidii i soo booqatay tageen, annaguna maadaama aan diigga ku kacaynno, wax waqti ah annaga oo aan lumin ayaan darmaheennii wareeg u dhex fidsannay qolkii naga dhaxeeyay. Waad jeclaan lahayd barkinka Soomaalida. Waa qoton gaaban oo geed laga qoray oo qaroof timaha la xayreeyay iyo taaloogga qurxan ee loo firay loo dhigo. Sida kan Xabashida oo kale, wuxuu dhan walba uga egyahay barkinkii Masaaridii hore; kaliya wuxuu kaga duwanyahay in aan lagu xardhin Cirfiidyo iyo argagagixsooyin kale, si riyooyinka xun xun loo xijaabo. Mararka qaarkood codka durbaanka, hees, ama sacab ayaan waqti dambe cayaar iyo caweys noogu yeera. Qaabka loo ciyaaraa waa mid aad u murugsan, aalaa na xeeladaha oo dhan yaraanta ayaa si sahlan loogu bartaa oo qofka cusub way ku adagtahay. Cayaar walbaa heesteeda iyo miisaankeeda ayay leedahay, si ka soo horjeedda diinta Islaamkana ragga iyo dumarku waa u wada cayaaraan. Waxay ku bilaabaan sacab iyo in ay meesha ay taaganyihiin cagaha la dhacaan. Waxaa xiga hore isu gundhin, dib u gurasho, isweeraamin, booddo iyo waxyaalihii kale ee iskuulka Jiim Krow (Jim Crow)40 lagu yiqiin. Ciyaaraha kuwa ugu waawayni waa kuwa Ogaadeen laga ciyaaro iyo Batar, kuwaa ayaa haddana kala baxa oo sii kala qaybsama. Waxaan aad ugu hanwaynahay sida loo ciyaaro Dileho (?), Jiibwayn iyo Hoobalay in ay madadaalo iyo wax ka barasho ahaan, gacaliye Lumsdenoow, kuu la mid noqon lahaayeen sida Polka, Gavotte, Mazurka ay Soomaali u noqon lahaayeen.

Jimcadii oo u dhiganta Axaddayada, mid cabsan ayaa magaalada ku wareegayay isagoo kuwa shantooda waqti salaadda tukan waaya ciqaab ugu gooddinaya. Markay saacaddu 11:30 tahay ayaa waxa yeera durbaan dadka masjidka Jaamica ugu yeeraya. Waa uun mooro duqowday oo si qaab daran nuurad cad loogu malaasay. Rukunno ama tiirar aan wax sharraxaad ah lahayn ayaa saqafka gaaban haya, daaqadahana yaryaraantoodana, ama godadka laga neefsado aan dhehee, ayaa kulayl aan lagu jiri karin ka dhiga meesha. Minbar ma leh, sharraxaadda kaliya ee ka muuqatana waa sawir aan wacnayn oo u eg daabacaad maqaaxi lagu sameeyay oo Masjidka Maka ah oo darbiga ku musmaaran. Agabka kaliya ee yaallaa waa darmo duug ah iyo sanduuqyo duqoobay oo ay ku jiraan jallaadyo Qur"aan jeexjeexan ah galalkooduna dufantiryo leeyihiin. Waxaan soo galay aniga oo adeege massalle ii wado, halkaa oo la igu soo dhaweeyay eegmada 300 laba indhoodle oo iga soo fiirinaya safaf siman u fadhiya. Labadii rakcadood ee salaanta masjidka ayaan tukaday, tusbaxii iyo seeftiina hortayda ayaan dhigtay. Dabadeed Qur"aan ayaan la kala baxay oo Suuradda Baqara (aayadda 18aad) kor u akhriyay oo aad ugu dheeraystay. Duhurkii, ama saacadda maalinta kala barkeeda ah, ayuu mu"addinkii Khadiibkii soo hor istaagay oo addin ku celiyay, iyadoo jameeco shanshooyinkooda iyo cagahooda gambadhaystay ay ka daba jiibinayaan. Markii uu dhammeeyay ayaa dhammaan la wada kacay oo laba rakcadood oo Sunne ah qof walbaa gooni u tukuday. Dabdeedna waxaa lagu soo afjaray ducada Nabiga (attaxiyaad) iyo salaanta labada garab walaalaha Rumeeyay oo dhan laga wada salaamayo (salaamanaqsi). Khadiibkii dabadeed wuxuu koray godkiisii darbiga uga duleelay (mixraabka) oo minbar ahaan uu adeegsado. Dabadeed wuxuu nagu salaamay "Assalaamu calaykum Waraxmatullaahi wabaraakatuhu". Ananguna, isagoo Mu"addinka codkiisii ku laranyahay ayaannu ugu jawaabnay "Wacalaykum assalaam Waraxmatullah!" Furfurashooyin diini ah oo badan iyo jawaab celinahoodii oo aadaan labaad ku soo gabagaboobay ka dib ayuu khudbeeyaheennii la istaagay ku khudbeeyay cod haddii Sir Hudibras41 maqli lahaa uu nacaladda sayri lahaa. Wax yar ayuu fariistay oo haddana kacay isaga oo akhriyay Al-Nacat (?), ammaanta Nabiga (n.n,k.) iyo asxaabtiisii.

Labadaas qaybood ayay khudbada Islaamku u qaybsantaa. Nasiib darro, si ay ahaataba, ku dhaqan ma jiro. Khadiibkayaga oo isla markaana Qaadiga magaalada ahi dhowr mar ayuu khalday Carabiga, khudbaddiisana warqad ayuu ka akhriyaa, arrin Islaamka kitaab gaab mooyee aanay cid kale falin42.

Markii khudbaddii dhammaatay ayuu karraanigayagii43 oo haddiiba ay suurtogal tahay ka liita khadiibka ogeysiis al-Iqaamah la yiraahdo ku dhawaaqay. Dabadeed intuu Mixraabka galay ayuu labadii rakcadood ee Jimcaha tujiyay jamaacada oo imaam u noqday. Qaabka tukashada salaadda wax u gooni ah ku ma arag, marka laga reebo in ay dhammaantood raacaan qaabka Shaaficiyada Yaman - gacmaha wax yar ayay kor u qaadaan Rukuucda iyo Sujuudda dhexdooda, meeshii ay bawdyaha ku nasin lahaayeen. Salaaddii jamaacadu markii ay idlaatay, dad badani masjidka waa ka yaaceen, halka kuwo kale na cibaadaysi dheeraad ah u hareen. Isu ekaansho silloon ayaa ka dhexeeya muuqaalkan44 iyo kan kaniisada degmo cidlo ah ee baadiyaha Iglan ku taal. Oday Sharma'arke, caaqilkii oo wiilkiisii garab socdo, meel minbarka agtiisa ah ayuu fariistay. In kasta oo madaxda sharafta leh aanay u ool kuraas firaashani, waxay isu ekaysiiyaan sidii iyagoo ay u yaalliin. Wadahadal, haba yaraadee, la ma oggola intaan salaadda la gelin. In dhinacyada la fiiriyaa waa reebbantahay inta salaadda lagu jiro, hase ahaatee, dadka oo dhammi ma wada tixgeliyaan reebbanaantaa, gaar ahaan marka shaarubbo cusubi goobta soo galaan. Marka (masjidka) laga soo baxo, raggu waa is gacan qaadaan, xoogaa bay meelaha istaagtaagaan ama xan saaxiibtinnimo is dhaafsadaan, ama khadiibka xoogaa la sheekaystaan oo dabadeed guryahoodii u qado tagaan.

Farqiyo badan oo kala duwaanaanshe aad u muuqda ah ayaa jira. Wax koofiyado ah fagaaraha ka ma muuqdaan. Caaqilku, salaadda ka dib masaakiinta ayuu sadaqo u qaybshaa, dabadeedna waa baxaa, isaga oo ay galbinayaan rag labaatameeyo ah oo banaatiikh ku hubaysani. Askartaasi si isdabajoog ah ayay buntukhyadooda xabbadkeliyaalaha ah ridayaan intaa.

La socda taxanaha.

Mahadsanidin.

  1. Qaabdhismeedkan wajigu goobada yahay garka iyo dhafoorkuna gadaal u riixanyihiin aad ayaa isla markaba looga dhex gartaa Afrikada Bari, halka wajiga oo xoogaa daaman waawayni uu sanka hoostiisa ka soo yuubanyahay. - Burton
  2. Dad Yurub ku nool oo reer guuraa la yaso ah. - Tarjume
  3. Dermaha aad ayaa loogu sameeyaa Bariga iyo meelo badan oo Wqooyiga Afrika ah. Waxaa laga sameeyaa mararka qaarkood cawbaar ama noocyada kale ee cawda. Ha se ahaatee, waxaa jira dhir kale oo badanaa loo adeegsado. Nooc wal qaab iyo midab u gooni ah ayaa loo sameeyaa. Dabadeed waxaa lagu aslaa casaan, madow iyo hurdi, iyada oo ay Rubia tinctorum [geed xididkiisu asal midabbo leh bixiyo] iyo alum [dhagax macdaneed] ay yihiin maaddooyinka ugu muhiimsan ee la adeegsado. - Burton.
  4. Bastoolad khasnaddu wareegaalaysato marka la ridayo oo badanaa lix xabbadood qaada. - Tarjume.
  5. Abu Qaasinkii reer Gasa, tacliiqihii sida wayn loo yiqiin, Abuu Shujaacii reer Isfahan ee Madhabta Shaaficiyadana buugga ka qoray. - Burton
  6. Iswiiska waxa uu u soo qaatay in lagu yaqaan tacabbirka dibadda iyo in ay dhulal badan askar ka noqdaan. Tusaale, ciidansharafeedka ilaaliya Boobka Kootaliga ugu sarreeya ee Dawladda Faatikaanka badankoodu waa Iswiis. - Tarjume
  7. Waxaa la wariyay in Xadrami tolkii ka soo carary uu gaaray magaalo Shiine xudduudkiisa ah. Masjid ayuu damcay in uu galo, laakiin markii uu gelayay ayuu xatabadda ku kufay. "Yaa Cammuud al-Diin"-"Diinta Tiirkeediiyoow ayuu" ayuu ku dhawaaqay cod mugdiga ka yeeray oo cuskanaya waligii Xadramawt, si uu ninka Muslimka oo kufay uu uga gargaaro. "Diinta Tiirkeedu madaxa ku jabi" ayuu ku jawaabay waddaninimo xumihii socotada ahaa, markii uu istaagayna sadcaalkiisii ayuu halhaleel u sii watay. - Burton
  8. Calooshoodushaqaystayaal ka yimid Mukha, Xadramawt, Bi'r Xaamid, Cadan agaheeda. Waxay ku hubaysanyihiin buntukh kabriidle ah, seef iyo toorrey; midkiina wuxuu barasaabka ka qaataa gunno bille ah oo laba dollar iyo bar dhan. - Burton
  9. Dhawr kitaabbo fil wayn ah oo magacan wadaaga ayaa jira, mid uu yahayse ma sugna. - Tarjume
  10. Judah ama Yuhuudaa nin la oran jiray ayaa jiray oo Kiristaanka badankiisu u haystaan in uu ahaa ninkii ku barifuray ee ka dambeeyay deldeliddii Nabi Ciise (n.k.). - Tarjume
  11. Nidaamka dabaqadaha ee ka jira Yaman, in kasta oo uusan ka jirin qaybaha waqooyi ee Carabta, dhulka Soomaaliyeed guud ahaan waa lagaga dhaqmaa. Qoysaska ugu waawayn dabaqadahaa waa sida soo socota: – Yibirku wuxuu u dhigmaa Dushaanka Koofurta Carbeed. Raggu badanaa ugaasyada ayay maaweeliyeyaal u yihiin, lab iyo dheddigna doorar gaar ah ayay ku leeyihiin xafladaha guurka iyo gudniinka. Tiradoodu waxaa la sheegaa in ay yartahay oo ay dhanyihiin ilaa 100 qoys waqooyiga carriga Soomaaliyeed. – Tumaalku ama Xaddaadka oo asal ahaan Iidoor ka soo jeeda waxay gun ku noqdeen guursiga addoonta. Hadda waa in ay guursadaan hablaha isla dabaqaddooda uun ah, bulshadana ay gaar uga noolaadaan. Adeegsigooda falka dadku waa ka baqaan. Xiriirka ka dhaxeeya cagliga iyo sixirka waa iska cadyahay, garaha gaarka ah oo dhanna iyaga ayaa loo tiiriyaa. Waxaa loo kuurgalay in tumaalka waligi ay cawaantu uga biqi jireen isla sida uu Vulkan [sanam Roomaankii hore u haysteen Rabbiga dabka, siiba qaraxa foolkaanaha buuraha] ku noqday wax la caabudo. Xabasha tumaal dhammaanti waa Budah, sixirooleyaal, gaar ahaan tumaalka birta, bulshadana waa ka takooranyahay sida Soomaalida. Al-Xijaas ruuxeeda, dhul sida Yamanta aan ahayn oo ka soo horjeeda kala soocidda Muslimiinta, Khalawiyada birta sanceeya waxaa loo haystaa gun. Dhammaan Muslimka intiisa kale tumaalka waxaa lagu qaddariyaa in uu haysto sunnadii Daa'uud [n.k.], aabbihii farshaxanka. Erayga "Tumaal" oo lid ku ah "So'maal" waa maxalli. "Xandaad" sida laga dhadhamin karo waa qalloocin erayga Carabiga ah ee "Xaddaad", bir tume. – Midgaanku "hal gacanle", wuxuu u dhigmaa Khaadimka Yamaneed. Waxaa Carabtu ku magacaabaan Raami ama "qaansoole" [gabooye]. Saddex qabiil oo kala duwan oo dadkan oo dhulka Soomaalida ku badan ah ayaa jira. Dadka abtirsiinyaha ugu badiyaa asalkooda meel ma saari karaan, in kasta oo qaarkood doqonnimo caddaysteen markii ay ugu abtiriyeen Akhdaam (madiidin) reer Shimr ah. Si ay ahaataba se, dhammaan waxa ay isku raacsanyihiin in Midgaanka dhiigga nasabka ee Dhulka Soomaaliyeed laga saaro, hantidiisana waxaa la barbar dhigay tii Freedman-kii Roomaanka [addoon la xoreeyay]. Dadkani ugaasyo kala duwan ayay hoos tagaan, kuwaa oo mararka qaarkood in badan oo ka mid ah urursada, si ay uga ciidmaan duullaammada dhaca ah iyo shaqaaqooyinka kale. Ha se ahaatee, kuma koobaan hal mehrad oo kali ah. Midgaanno badani waxay ka shaqaystaan ugaarsiga iyo beero falashada. Halkii waranka iyo gaashaanka waxay ka sitaan qaansooyin iyo gabooye ay ka buuxaan leebab xunxun oo gano leh oo "Waabaay" lagu sumeeyay. Waa hub laga adeegsado laga soo bilaabo Faizoghli (Beershiya) ilaa Cape of Good Hope [Koofur Africa]. Sida Vedah-da Ceylon [Siiri Lanka], Midgaanku waa ruux sabool ah, waana dhif in uu xoog ku filan u leeyayahay inuu qaansadiisa giigsan xariggeega ku soo dhufto. Dhagar ayaa lagu eedeeyaa, sargafta xarigga qaansadiisa ka yeedhana degmo dhan ayay baqo darteed carar geyaysiin kartaa. Suntaan [waabayda] aad ayaa looga baqaa. Dadku waxay sheegaan in ay keento in qofka timaha iyo ciddiyuhu dataan, ninkana waxay ku dishaa saacad barkeed. Dawada kaliya oo loo ogyahayi waa in meesha dedeg loo jeexo, sarsariddana wax badan ayaa lasameeyaa, maxaa yeelay halkan sida meelo kale oo Afrika ka mid ahba sarsarka waxaa loo haystaa qurux. Muuqaal ahaan Midgaanku waa madowyahay oo si hagaas u yahay. Dadku waxay ku yaqaannaan dhaqammo u gaar ah iyo qaabka hadalka. - Burton's end notes.
  12. Laconic waa qaab loo hadlo iyada oo erayo kooban la adeegsanayo. Orient waxay Yurubta galbeedi u taqaan dunida kale, siiba Aasiya. Waxaa lidka ah Occident. - Tarjume
  13. Sababta ay reer Yurub ugu guul darraystaan in ay fikirkooda u sharraxaan guud ahaan dadka Oryantaalka waa iyaga oo Lakooninimada Yurubta Galbeed u roga afafka Bari. Tusaale ahaan, waxaan innagu niraahnaa, "keen buuggii aan ku siiyay xalay". Intaasi, haddii aan doorto afka sida fiican loo yaqaan ee Hindustaaniga, waa in erayo walaaqan lagu yiraahdaa oo sidaan noqonaya, "Maxay buuggii lagu siiyay anigu adiga shalay habeen, buuggaa keenaysaa aniga, kaalay!"- Burton
  14. Sir Richard Bentley (?) (1662-1742). Faylasoof Ingiriis ah oo caan ahaa. -Tajume
  15. Sheekaxariirada caanka ah ee Alf Leyl wa Leylah. R. Burton ruuxiisa ayaa iyada oo dhan af Ingiriis u tarjumay. - Tarjume
  16. Ardaal reer Yurub (Talyaani) ahaa oo noolaa muddadii u dhexaysay 1492-1556. Wuxuu ahaa qoraa, curiye riwaayadeed iyo gabyaa. Qoraalladiisii waxaa ka mid ah Sonetti Lussuriosi oo ku jiray buug sawirro badan leh oo uu isku duway nin la oran jiray Marcantonio Raimondi. Waa buug guud ahaan ku saabsan jinsiga (galmada) ragga iyo dumarka. - G. Waterfield - Tarjume
  17. Gabayaa iyo faylasoof aad loo yiqiin oo aftahannimada looga dambeyn jiray. - Tarjume
  18. Maxamad Cali Baashihii Turkiga (?) - Tarjume
  19. Iswiidhishku waxay ilaa bilowgii qarnigii 19aad caan ku yihiin nooc tubaakada budada qoyane la takhsiinto ah oo u gaar ah. Bushinta kore hoosteeda ayaa la gashadaa, waana ka calyatuf yartahay noocyada la ruugo ama bushinta hoose la gashado. - Tarjume
  20. Tani waa mid ka mid ah dhalleecooyinka mar walba Islaamka loo soo jeediyo. Haddana ficil ahaan annagiiba waa ka marannahay? Bulshada Yurub kuwa ugu wanaagsani waa kuwa ka hela in ay jinsigooda [raggu rag, dumarkuna dumar] uun weheshadaan. "Shabeelnaagoodka" iyo haweeneyda dumarka ka fogaata waa wax lagu diimo. - Burton
  21. Hindida reer Madras. - Tarjume
  22. Ugaarta marka la dilo ayaa uurkujirta laga daadshaa, la qallajiyaa, dabadeedna la cufeeyaa. Dabadeed gidaaradda guryahaa la surtaa, qurux iyo faan ahaan. - Tarjume
  23. Halkan waxay u muuqataa in R. Burton uu caro furka la tuuray noloshiisii hore ee wada xakamaysnayd dhan walba, ka dib markuu arkay madaxbannaanida iyo qabka saree dadka uu yimi ay ku noolyihiin oo uu aad ugu bogay. Maxay se kuugu taal, madaxbannaanidaasi wax badan ma sii jirin isaga dabadi. - Tarjume
  24. King Arhur wuxuu ahaa boqor geesi dagaalyahana ah oo carriga Ingiriiska ka talin jiray Qarnigii Shanaad ilaa hoorraanti kii Lixaad. - Tarjume
  25. Annaguba sidaa oo kale ayaan "bacrimisada [baaruudda] baas" uga soo hor jeednay waayo hore. Askartii Faransiisku baaruudda waxay ku magacaabi jireen Qabrigii Sharafta. Tani waa iska dabiici, hub kan ugu geesisani waa kan ugu gaaban. Waa kan ninka ragga ah joojiya meel ay cadowgiisa gacanta isu la tagaan. Qabiillada Kufaarta qaarkood waa joojiyeen in ay Assegai-ga (nooc waran Afrikaan) ganaan, dagaalkana waxa ay ku galaan iyaga oo u warfinaya sidii pike (nooc waran Yurub). Sidaa oo kale, caado ahaan, hubba hubka uu ka gaabanyahay ayay colaadaha loo adeegsadaa u khatar badanyihiin. "Briquet"kii hore ee Faransiiska, "Charay-ga Afqaanka iyo "Kukkri-ga Gurkha waxay tusaale u yihiin taariikhda hubka. - Burton. Briquette waa nooc ka mid ah qarxiso kuwii ugu horreeyay ee la soo saaro. Charay/ Khaybar knife/Salawar waa nooc toorrey aad u dheer sida seefta oo ay caan ku yihiin dagaalyahannada qabiilka Bashtuunka ee dega silsiladda buuraleyda meermeerka Khaybar (Afgaanistaan-Bakistaan) . Kukkri (Khukuri) waa nooc toorrey xoodan oo halisa ah. Dagaalyahannada dadka Gurkha loo yaqaan ee carriga Nepal iyo agagaarkiisa dega ayaa caan ku ah. - Tarjume
  26. Gocos waa ciyaar dhaqameed da' wayn oo kubbada cagta aad ugu eg, ha se ahaate waxyaalo kaga duwan. Waxaa laga ciyaari jiray, sida la xusay, carriga ballaaran ee Gadaabursi, Ciise iyo Cafar. Faahfaahin ku saabsan taariikhdeeda iyo sida loo ciyaaro ka eeg buugga Xeer Ciise ee uu wax ka qoray Cabdalla X. Cismaan Ceeleeye. - Tarjume
  27. Wax waxyaalaha ku xeeran dhaqaajiya, iyaga oo aanay waxaasi wax kale sii dhaqaajin. Meerayaasha mid ka mid ah oo isagu uun wax dhaqaajiya ee aan la riixin ama la dhaqaajin. Halka wax ka fulaan ee aanay wax ka mudani jirin ayaa laga wadaa markan- Tarjume
  28. Waxaan marar badan ka shallaayay in aan illaabay in aan ka sii taxaddaro qarsho riiq laws ahi iigu jirtay. Midabka caddii shaki la'aan dareen ayaa dhulkan Bariga laga qabaa . - Burton. Sida ay u badantahay, wuxuu u sitay qarshada lawska shiidani ugu jiray inuu is marsho oo midabkiisa ku dhalanrogo, si aan looga shakin caddaankiisa marka uu carriga marayo. Axmad Ibraahin Cawaale ayaa ku mahadsan xusuusinta arrintan. - Tarjume
  29. Amour-propre: marka qof isu bogo isaga oo ka dab qaadanaya sida dadka kale ugu bogaan. Waa lidka amour de soi oo la mid ah, ha se ahaate kaga duwan in markan qofku sida uu isugu bogo aanu kaga dayanayn sida dadka kale ugu bogaan. Kani waa kalsoonida dhabka ah ee qofku isku qabo, halka kan hore yahay iska yeelyeel aan sugnayan. Waa aragti filasoofiyadeed oo laga keenay Jean-Jacques Rousseau. - Tarjume
  30. Waxaa iyana sidaa oo kale u diin xun Kufaarta degta Raaska (Cape). Waa is muujiyeen in ay dad maskax wanaagsan dagaalkana ku fiican yihiin. Sidaa oo ay tahay, sidii Greenlanders-kii [Greenland] hore iyo qaar qabiillada Burmese-ka [Myanmar] ka mid ah oo kale ayaysan sida muuqata awoodin in ay rumeeyaan jiritaanta Sarreeyaha. Su'aal ay mar walba jeclaayeen in ay dadkii diinta fidinayay waydiiyaaan ahayd ahayd "Rabbigaa ma cadyahay mase waa madowyahay?" haddii Yurubuyaanka su'aashu anfariirisay uu wax yar hakado, way ka tagaaan iyaga oo si cad uga yaqyaqsan khayaanada lagu hoday. Waxaa guud ahaan waayadan danbe la sheegaa in fikradda Jire Awood sare lehi ay ka warqabaan dadka oo dhammi, xataa kuwa ugu cawaansan. Waayaragnimadayda koobani waxay ku doodaysaa si taa ka hor jeedda. Cawaantu waxay ku bilaabaan sixiraysi iyo shaydaan caabud, waxay uga gudbaan dabeecad caabud (diinta Vedayaasha) iyo Sabaysi [diintii dadkii reer Saba ee dayaxa, qorraxda iyo xidigaha caabudi jiray]. – Waxa la caabudayo ayaa ah halka ugu dambaysa iyo figta ugu sarraysa cibaadada ruuxiga ah, taa oo ku hanuunisa in ay bartaan oo ay daalacdaan waxyaalaha kownka iyo jasadka [jirka oo ruuxdu ka gooni tahay] la xiriira. Sidaa ay isugu xigaan waxaa si loo bogo ugu qoray Max Müller buuggiisa Rig Veda Sanhita. - Burton
  31. Oraahahani waa habaar qof loola dan leeyahay. Waxa ay u badantahay Burton in uu u qaatay in ay haweeneydu Eebbe habaarayso marka ay "Ilaahow" leedahay. Tani waxay tusaysaa sida uu Burton fahanka iyo adeegsigiisa Soomaaliga ka ahaa. - Burton
  32. Maansadan waxaan go'aansaday in aanan tarjuminin ee aan sideeda ku daayo. Sidaan ay u dhigantahay ruuxeeda ayaa tarjumaad ah oo wax badani sidii ay af Soomaaliga ku ahayd kaga lumeen, sidaa awgeed in af Soomaaliga sidii ay ku ahayd dib loogu celiyo iyada oo nuxurka maanseed aan lumin waa ay adagatahay. - Tarjume
  33. Maydka Muslimku qabriga markuu ku jiro ma wada dareen la'a. Taasi waxay akhristaha xasuusinaysaa Tennyson [Lord Tennyson, gabayaa can ahaa oo Ingiriis u dhashay], markii uu lahaa:
    Maydku inuu qabriga ku haystaan u qabey nabadiyo maamuuse
    An se sidaa moodayiyo maluhu waa beene
    Qabrigoodan magangelyo ku helayni murogo sow maaha?
  34. Salaadda maydka lagu tukadaa [Janaasada] ma laha rukuuc sida salaadaha kale. - Burton
  35. Magaca guud ee Muslimku u yaqaan xeebta Afrika ee ka soo bilaabada xeebta Soomaalida ee koofureed ilaa Mozambique ee aya deggenyahiin dadyawga Neegarrada ah. - Burton.
  36. Tusbaxa Muslimku wuxuu ka koobanyahay 99 kuulood oo xirmooyin middii ba 33 tahay loo kala qaybshay, mid walbaa caalamd u gooni ah oo xabbad kuul shacaabi cas ah ayay leedahay. Faaliyuhu intuu meel uun ka qabto ayuu kor u tiriyaa ilaa calaamadda la gaaro. Haddii tirada kuuluhu ay kisi noqoto, haldhibic ah ayuu dhulka ku dhigaa, haddii ay dhaban tahay na laba. Afar mar ayaa sidaa la yeelaa, ilaa dabadeed shax laga soo saaro. Lix iyo toban noocaa ah oo mid waliba ay magaceeda u gaarka ah iyo wax lagu aqoonsado leedahay ayaa jira. Shaxanku waa Shax teeda ugu qaab liidata, waana hab curraafayn ah oo sida ay uu fidday marka laga eego waayo aad u fog laga soo guurshay. Carabtu waxay ku magacawdaa Al-Ramli, nooca hadda uu yahay na waxay u tiiriyaan Imaam Jacfar al-Sadiiq. Dhexdooda waxuu ka yahay cilmi culus oo alaa ba xiddigiska lala xiriiriyo. Book of Fate [Napoleon's Book of Fate / Oraculum] Napoleon waa tusaale ka mid ah cir"aanayskii hore ee Bari oo Yurub loogu soo gudbiyay hab casri ah oo fudud. - Burton's endnote.
  37. Bornou (Afrikada Dhexe), ama waa jasiiradda Borneo ee u dhexaysa Malaysia, Indonesia iyo boqortooyada Brunei. - Tarjume
  38. Shawada Xabasha ama Jaawada (Java) Indonesia. - Tarjume
  39. Elixer [iliksir] kii aan niqiin, Al-Iksir kii Carabta oo la doorshay. - Burton
  40. Magacani macne ballaaran oo taban ayuu leeyahay, hadda se waxuu ka wadaa qof madow murtidi iyo madadaaladi. - Burton
  41. Sir Hudibras wuxuu ahaa qareen (character) gurracan oo ku jiray gabay taxane maadays siyaasadeed ahaa oo uu buugaag saddex jallaad ah ku qoray Samuel Butler, intii u dhexaysay 1662 ilaa 1678. Gabayga waxaa laga curiyay dhacdooyinkii xilligii Dagaalkii Sokeeye ee Ingiriiska (1642-1651). - Tarjume
  42. Malaha wuxuu arki jiray dad Carab ah ama Carabiga si fiican u yaqaan oo khudbadaha kor ka dareeriya. Wuxuu halmaansanyahay in dadka uu martida u yahay aanay Carab ahayn, in kasta oo in badani Carabiga suuqa ku hadasho. Waxaa sii weheliya in khudbadda iyada oo qoran la akhrin karo haddii la doono. - Tarjume
  43. Waxay u badantahay in uu tilmaamayo mu'addinkii ama khaadimmada masjidka midkood oo aqimaya salaada, khudbada dabadeed. - Tarjume
  44. Salaada Jimcaha iyo dareerka dadka. - Tarjume

Cutubka 3aad: Tamashlihii Agagaarka Zaylac

Sagaalkii Nofeembar ayaannu go'aansannay in aan booqanno jasiiradda Sacaadadiin, waa midda wayn laba jaamood oo dhul gooni u go'an oo qiyaas ahaan laba mayl magaalada dhanka waqooyiga ka xiga. Hal saac oo shiraacasho xooggan ah ayaannu ku gaarnay meeshii aannu u soconnay.Waxaan sii dhex marnay jiq geedgaab ah oo ay dhoobanyihiin xooman dukhsi biyood ah. Hawadu waa qoyaan dhaxan iyo qandho wadata, urkuna waa dhir dhimatay oo geeri ka soo kamkamyso. Waxaa xiga ban qalallan oo ciiddu xaani milix la caddaatay tahay oo bal caddaaday iyo gummudyo daran ah ka taagtaaganyihinn, kulayl la sunsumaya, dhir duqowdayna ka buuxaan. Halkan ayay dadka degaanku ku sheegaan in ay ahayd meeshii ay ku tiil Zaylacdii hore ee Carabta Yamaneed dhiseen. Sheekabaralayda waxaa lagu sheegaa in markii Sacaadaddiin1 la hareereeyay ee uu dilay David, boqrkii Itoobiya, ay ceelasheedii gureen magaaladiina sidaa ku duugantay. Wax aan shaki ku jirin oo qax sababay ayaa dabadeed dhacay. Waxaa dhacay wax shaki la'aan in laga guuro kallifay. willashii halyaygaa Muslimka ahaa ayaa waxay u carareeen Axmad Ibn Al-Ashraf, amiirkii Sanca, iyagoo u ballanqaaday in ay xukunkiisa daacad noqonayaan oo hoos tegayaan haddii uu difaac u dhiso, Kiristaanka Xabashida ahna uga hiilliyo. Natiijadu waxay noqotay xiriir darbiyo ah oo ku wareegsan meesha Zaylac hadda ku taal, meeshii ay markii hore ku tiil waxaa la oran karaa waa 'periêre ruinae' (burbur sii burburay).

Intii aan Sharma'arke la joogay, marar badan ayaan warsaday kaydka qoraallada taarikheed, dabadeedna qaaddiga Maxamad Khadiib, nin reer Harar ah oo qabiilka Hawiye ka dhashay, ayaa ugu dambayntii lagu qanciayay in uu soo dhiibo Diiwaankiisa, ama warqadihiisa xafiiska, si aan u cilmibaaro.Waxay u dhignaayeen sidii diiwaangelinta tuulaad ee dhalashooyin, dhimashooyin, guurar, furriinno iyo xorayn addoommo ay ku qoranyihiin. Waxaan qoraalladaa ka dheehday in sanadkii 1081 H . (1670-1) ay Sayiddiintii Shanaabiladu qaaddiyaal ka ahaayen Zaylac ayna jagada xafiiska hayeen 138 sanadood. Laba fac ka hor ayay jagadii ku soo wareegtay Maxamad Muuse oo Hawiye ka dhashay, qaaddiga hadda hayaana waa wiil uu adeer u yahay.

Asalka taariikhda Zaylac, ama sida dadka degaanku ku magacaabaan "Awdal", waxay ku luntay ceeryaamada sheekaxariiraradii Finiiqiyiinta. Cafalidii2 Priplus3 iyo Pliny4 sheegay waxay bilowgeedii hore ku tiirsanayd boqortooyadii Aksuum5. Abbaarihii qarnigii 7aad, markii Carabta Koofureed ay gudaha Xabasha u galeen6, waxay noqotay warshaddii weynayd ee xeebta bari, waagaa oo ay gaadhay barwaaqadii iyo quruxdeedii ugu sarreysay. Taqi al-Diin Markiisi7 wuxuu ku sheegay Zaylac meel dhacda masaafo 43 maalmood loo sii socdo oo 40 lagaga yimaado, wuxuuna u qaybiyay toddoba degmo oo waaweyn oo ku dhowaad konton af looga hadlo, halkaa oo ay ka taliyaan amiirro hoos tagta Hatiga (Hatze)8 Xabasha.

Qarnigii 14aad waxay caan ku noqotay dagaalladii ay la gashay boqorradii Xabashida. Ka dib markii jabab culus loo geystay ayay Muslimiintu dekeddooda dib ugu gurteen, taasoo difaac nafhur daran ah ka dib gacanta u gashay Kiristaanka. Dhulka waa la mooraduugay, masaajiddii waxaa loo beddelay kaniisado, Xabashidiina buuralaydoodii ayay ku laabteen iyagoo bililiqo wehel leh ku raran. Qiyaas ahaan sanadkii 1400, Sacaadadiin, waa amiirkii geesiga ahaa ee Zaylac e, ayaa magaaladiisii waxaa ku hareereeyay Hati David II9. Markii gantaal waran lagu dilay dadkiisii wuxuu uga tegay tabardarro cadowgoodii u gacan gelisay, ilaa wiilashiisii Sabru Diin, Cali, Mansuur iyo Jamaaluddiin ay dib u soo nooleeyeen halgankii Islaamka.

Ibn Batuuta, dalmare qarnigii 14aad joogay, sidaan ayuu u qeexay meesha:
"(…) Dabadeed Cadan ka dhoofay, anigoo badda maray, afar maalmood ka dibna waxaa gaaray magaalada Zaylac. Meeshaan waxaa deggan Barbariyiin10, dad madmadow oo dariiqada Shaaficiyada raacsan. Dhulkoodu waa lamadegaan laba bilood loo kala socdo. Meesha ugu horreysa Zaylac ayaa la yiraahdaa, meesha ugu dambaysana Muqdisho. Si ay ahaataba se, dadka deggan badankoodu waa dad dariiqada Raafidada11 raacsan. Cunnadooda badankeedu waa hilib geel iyo kalluun12. Carrigan qarmuunkiisu aad ayuu u daranyahay, sidaa oo kalena waa wasakhda, urka kalluunka iyo dhiigga geela jidadkeeda lagu gawraco".

Abbaaraha sannadkii 1500, Turkida ayaa Yaman qabsaday, Janisaariyiintii mooryaanta ahaa ee "ku noolaa dhiigmiiradka ganacsiga"na ganacsatadii lala heshiin karay ee Carabta waxay u cayriyeen xeebta dhankeeda kale. Ganacsigii Hindiya oo isla cadowgaas ka soo cararay ayaa dabadeed soo magan galayAwdal iyo shurakadooda dhexdeeda13. Turkidii Caraabiya, in kasta oo ay ka indhaxirnaayeen arrintan, ganacsiga boqortooyooyinka ka hor jeeda u yaacay waa ay ka xumaayeen. Sidaa awgeed ayay Zaylac la wareegeen, halkaas oo ay hog tuugo ka dhigeen. Dabadeed wax ay ku magacaabeen xarunta aqalka kastankana14 ayay ka fureen meesha. Dabadeed, iyaga oo xaruntaas iyo maraakiib dariiqyada cariiriga ah ee Baab al Mandab wareegta adeegsanaya ayay ganacsigii Hindiya ee Awdal ku socday duween aadna u taakuleeyeen, si ay magdhaw ugu noqoto qaxii rabshadooda iyo caddaalad darradoodu ay Caraabiya ka sababeen.

Tallaabadani waxay khatar ku ahayd jiritaanka Awdal iyo Xabasha, labadaba. Marka la eego dawladnimada xooggan ee midkood iyo siyaasadxumada fikradaha gurracan weheshatay ee midda kale, waxay aad ugu badantahay in ay Turkidu labadaba jilbaha dhulka ugu dhufan kareen haddii Hindiya oo ulajeeddadooda ugu weyni ahayd aysan Boortaqiis dhidibbo xoogan mutay ugu tageen.

Bartema15 oo sanadkii 1503 socdaal ku maray wuxuu kaga hadlay cutubkiisa 15aad:

"Saylacda Itoobiya, beero la'aanteeda weyn iyo bahallo aan la aqoon oo meesha lagu arkay"; "magaaladan ganacsi ballaaran ayaa is daba maraya, waana suuqa ugu caansan. Waxaa aad ugu badan dahab, bir iyo tiro aan la xisaabin karin oo addoommo madmadow ah oo qiimo jaban lagu kala iibsado. Kuwaa waxay Muslimiintu dagaal kaga soo qabsadaan Itoobiya, boqrtooyada uu ka taliyo Wadaadka Yohannes, ama loo yaqaan Suubbane Yohannes. Dadka qaarki waxay ku magaacaan boqorka Yacquubiinta ama Xabshida, maadaama ay Kiristaan yihiin. Dabadeed waxaa addoomahaa loo taxaabaa Beershiya, Caraabiya Felix16, Baabilooniyada Nilus17 ama Alcair18 iyo Maka. Magaaladaan xaqsoor iyo xeerar wanaagsan ayaa looga dhaqmaa. Ganacsato aad u tiro badan ayay magaaladu leedahay, darbiyadeedu aad ayay u duqoobeen, marsaduna waa tayo liidata oo yaqyaqsi leh. Boqorka ama Suldaanka magaaladu waa Muslim, wuxuuna mushaaro siiyaa ciidan badan oo fardooley iyo lug isugu jira. Xoolo badan ayaa dagaalka lagu siiyaa waxayna xirtaan hal maro oo dabacsan. Midabkoodu waa sida dambas mugdi ah oo madow xiga."19

Juulay 1516, Zaylac oo markaa lagu magacaabay "suuqa wayn ee dhulalkaas" waxaa qabsaday oo magaalada gubay ciidan Boortaqiis ah oo uu watay Lopes Suarez Alberguiera, Berberana sidaa oo kale ayay mudan lahayd haddii ayan duufaanno kala firdhin lahayn horintii maraakiibta ahayd.

Markii Turkidii lagu khasbay in ay ka huleelaan Carabiyada Koofureed, waxay hoos timid (Saylac) xukunka amiirka Sanca, kaasoo haddana u sii sii dhiibay qoyska ganacsade ree Sanca ah.

Boqortooyadii Yaman markii ay sii baaba'aysay, Zaylac waxay hoos timi kuxunka Shariifka Mukha oo in kasta oo aan wax dhaqaale ahi ka soo geli jirin haddana awood u lahaa in uu barasaabka beddelo. Isaga ayaa Xaaji Sharma'arke ka kireeyay, isaguna sannad walba 750 krone ayuu siin jiray Sayid Maxammad Al-Barra ha Mukha, wixii intaa ka badan ee uu ka urursan karana isagaa qaadan jiray. Sanadkii 1848, Zaylac qoyskii Al-Barra waxaa ka qaaday barasaabkii Turkiga ee Mukha iyo Xudeyda oo Sharma'arke ka kireeyay. Waxa yar ee ka sii haray Sacaadadiin guud ahaan waa biyamareenno, kelliyo dhaadheer oo hadda lumay20 kana samaysan dhagaxyo shacaabi ah oo banka dhammanti ilaa ceelasha taxan iyo barkado yar yar oo sida ay u muuqdaan loogu talo galay in biyaha roobka lagu qabto. Mid ka mid ahi aad ayay u farshaxan qurxoontahay. Waxay leedahay sal aasan oo dheer oo dhig qaanso dhawr cagood dhulka ka soo baxsan leh. Dhanka bannaanku waa dhagax aan sinnayn, gudaha dhagaxnuuradeed ayaa si fiican loogu salaaxay, saqafkana stalactites21 dhaadheer ayaa ka soo raaraca. Agteeda waxaa ku yaal qabuuro. Qabriyada intooda badan waxaa dhanka madaxa kaga mudan looxaan dhaadheer oo dhagaxmadow qoran oo dherer u qotontaa ka taagantahay. Waxa ay u badantahay in qalabkan buuraha Tojorra u dhaw laga keenay. Dhan kale oo jasiiradda ka mid ah waxaan ka helay (isla dhagaxii) isaga oo leh qaab maxdin aad u weyn oo barkiis cammuudda jilicsan ku aasmay. Qabuuraha agtooda waxaannu ku aragnay tuur dhagxaan ah oo tiir ka dhex taaganyahay. Halkan ayuu ku yaal qabrigii Sheekh Saacadadiin, geesigii hore, haddana ah waliga loogu jecelyahay Zaylac oo ilaa waaga si baahsan loo qaddariyo. Taa waxaa muujinaya haraaga waliimooyin xus ah, lafaha jajaban, qashinka qallalan ee daadsan iyo dhardhaarrada dabku madoobeeyay.

Markii aan ku wareegay jasiiradda cidlada ah, marka laga reebo koox doomaley Soomaaliyeed ah oo qoryaha dabka lagu shito Cadan u guraya, dabadeedna aan xasuuqay dud gallayrro waaweyn oo kalluun guranaya ah iyo shimbirabadeed yaryar, si aan uga yaabiyo dadka degaanka iyo weheliyeyaashaydaba, ayaan meeshii aan ka soo degnay ku soo laabannay. Halkan hooso ayaa na loo ka dhisay, neefkii ariga ahaa ee cashadeenna loogu talagalayna waa la kariyay oo tuurar yaryar oo bariis ah na loo soo dul saaray, qarshooyin biyo macaan ahna laydha ayaa la sii dhigay si ay noogu qaboobaan. Mar hore ayaan waxaas ma cuno gacaliye Lumsdenoow ka gudbay, mar haddii cunno karsamaysaa ii muuqato.

Markii aannu quudannay ayaan iyada oo aan loo aabayeelin Quartana22 iyo walaasheed qaabdaran toonna hurdo duhur laydha macaan e badda dhammaan dhinaca dhulka dhignay. Hurdo culus ayaannu ladnay, sida reer Zaylac ba noogu sheegeen in Saacadadiin ay sidaa waligeed ahayd (hurdo wanaagga). Markii aannu soo toosnay qorraxdu waa sii liicaysay. Hirka oo caariyay darti, rubuc mayl ayaannu doontayadii biyaha u sii dhex waarwaarinnay, annagoo sii dhex jibaaxnay carsaanyo waaweyn oo gano fool xun la soo baxay, dhagaxshacaabi afaysan iyo cawbadeed adayggeeda aad darin mooddo. Ha iga beenaysan marka aan ku iraahdo meelaha caariga ah qorraxdu aad ayay ugu kululayd, xataa cagahayga sarta noqday. Waxaan soo qaadnay saami xoogaa isbuunyo wanaagsan ah iyo dhagaxshacaabi caddaan iyo casaan ah, kuwaa oo haddii la urursado Zaylac qiimo ka goyn kara. Markii maalinjooggayagii dhammaaday ayaannu gurigayagii ku soo noqonnay.

Nofeembar 14, ayaannu magaalada ka baxnay, si aan safar Danaakil (Cafar) leedahay ugu lugdarsanno oo isla markaana u soo booqanno qabriga waligii weynaa ee Abu Sarbay. Safarkii oo saf hadaafaya ah oo ka kooban dameerro iyo ilaa konton rati oo sida hargo lo'aad, fool maroodi iyo gabar addoon Xabashiyeed ah ayaa nagu soo baxay. Raggu waxay u ekaayeen duurjoog sidii adaafiir daanyeer la moodo, dumarkuna waxay uun ku wanaagsanyeen inay xoolaha raacaan. Xoolohoodu waxay ahaayeen yaryar kwo tabardarro ka muuqato oo baxaalli nugul. Si kastaba ha ahaatee, dameeraha badawidu aad ayay uga heer sarreeyaan kuwa Zaylac, geelooduna marka isbarbardhig loo hadlo waa ka qoodhsanyahay23.

Daqiiqado yar gudahood ayaa awrtii rarkii lagaga dhigay, aqalladii la taagay, dhammaanna nasasho la isu diyaariyay. Safarka sidaa u ballaaran oo aan ahayn dhacdo caadi ah, iyada oo hore loo yiqiin safarro yaryar oo badar sida oo mar ama laba toddobaadkii yimaada, ayaa dadkii magaaladu xataa ciyaartii ay jeclaayeen ee Gocosta soo dayaceen, si ay uga wardoonaan. "Guriga Dawladda" ee xagga Iridda Ashurbaara ku yaalla ayaannu istaagnay, si aan Badwida u daawanno, waxaana aannu is weydiinnay (sida ragga Magaaladu ba u nacaan qoorxidhka ama u caayaan kabaha buudka ah) gaashaammada goobaaban e culculus e waaweyn iyo warmaha qaabka daran ee reer baaddiyahani sitaan. Markan waddooyinka ayay soo dhoobteen, halkaa oo aan goobjoog u ahayn cayaartooda ay sida farxadda leh ugu tumayeen Xaajiga iyo madax kale. Sidani waa sida cawaantu u muujiso ku qanacsanaanta Qaddarta u saamaxday in ay kolonyo safar ah halisaha oommanaha oo dhan la soo dhex maraan.

Shiikh Ibraahin Abuu Sarbay wuxuu ku hoos aasanyahay qubbi nuurad cad leh oo Iridda Ashurbaara ee Zaylac u dhow, qoraal loox lagu xardhay oo albaabka dushiisa ku dheggan wuxuu noo tilmaamayay taariikhda geeriddiisa 1155 H. =1741-2 Hadda dayac ayaa ka muuqda, tiirdadabka sare waa soo dumay, darbiyadu waa duqoobeen. Gembiska qubbiga oo si qaab daran oo aan isu dheellitirnayn loo dhisay, sida Kashmiirna sallaan walba tiirar hayaan, waxay khatar gelinaysaa madaxyada dadka culumada ah inay ku soo dhacdo. Dhismuhu laba qaybood ayuu u qaybsanyahay; masjid iyo mawlac dadka soo booqanaya ku siyaartaan.

Mawlaca shan qabri ayaa ku dhex yaal, labada ugu waaweynna waxaa ku dahaaran maryo suuf ka samaysan oo midabbo birbirqaya leh. Ibraahim wuxuu ka mid ahaa 44 wali oo Xadramiyiin ahaa oo Berbera ka soo degay oo inta Buur Awliyaad shir barakaysan ku qabsaday dabadeed dhul fog iyo mid dhowba ku faafay, si ay diinta u fidiyaan. Harar ayuu abbaarihii 143024 u socdaalay, dad badan soo Islaamiyay, meeshaasna xasuus la sharfo uga tegay. Magaciisa waxaa lagu xusuustaa Jaadka oo uu halkaa geeyay darteed25.

Markii aan magaalada ka daalay ayaan Xaajiga ku qalqaaliyey in uu wehel ceelasha ii raaca igu daro. Waabeerigii ayaan afar nin oo Carab buntukhyo ku hubaysan ah kaxaystay, oo inta abbaar xagga waqooyiga xigta wajiga saarnay sii dhex waarwaarrinay oo dul soconnay ban dhagaxciid leh oo hir walba oo wayni uu daad ku soo rogo. Jidka waxaan ku soo marnay safaf dameerro iyo awr sibraarro biyood magaalada ka soo dhaanshay. Waardiye ayaa laga hayay sidayada oo kale, haween xoogag badan oo hoggaaminayayna xifaalayn fara badan oo ay u bogsanaayeen ayay naga sameeynayeen, iyagoo weliba ku dheeraysanaya. Qiyaastii afar mayl markii aannu soconeynay ayaa waxaannu nimid halka lagu magacaabo Tokhoshi, bacaadsaar daadmareen ah oo ku dhowaad hal mayl ballac isu jirta26, dahaar fudud oo dhooqo qallallan ahina dusha kaga rogantahay. Bartamaha waxaa kaga yiil saf ceelal saddex ilaa afar cagood dherer hoos u qodan salkana biyo calas ahi fadhiyaan. Hareerahooda waxaa ku wareegsan dhowr xayndaab oo afar tiir oo qoton u mudan ah oo kuwo gudub ahna isu hayaan. Dushooda waxaa ku fidsanaa hargaha ariga oo laga dhaqdo dhammaan carriga Soomaaliyeed. Ceelka agagaarkiisa waxaa tubnaa hormooyin geelal ah oo Ciisihii watay ay aad noogu qayliyeen, iyagoo warmahoodii cuscuslaa ee dhaadheeraa banka nagu ceyrsaday. Si qoladaa ay isaga difaacaan, dadka degaanku waxay ka dhisteen nooc qalcad wareegsan ah oo sallaan lagu fuulo. Agteeda (qalcadda) waxaa ku yaal dhir isugu jirta Dhuur waaweyn iyo Xinniduurka dhulka Sooaamalyeed ee ubaxa carfoon bixiya, laakiin cillaan ahaan aan qiimo lahayn. Xirmo geedqodxeed culus ah ayaa ku xeeran goobtan oo ah tan kaliya ee Zaylac agteeda beeraha laga fasho. Sidii uu Ibn Saciidba waayo hore sheegay "dadku beero ma leh, mirana waxba kama yaqaannaan". Si ay ahaataba, sida dhirta ka baxday ay u kala duwantahay oo isu haysato ayaa waxay caddayn u tahay in waxa kaliya ee loo baahanyahay ay tahay uun in shaqo culus laga qabto. Waxaa ii muuqday geedsaliideed, hase ahaatee cidina ma taqaan magaciisa iyo dabeecadihiisaba27.Waxaa kale oo aan arkay Rayxaan ama Baasil iyo Kadi oo ah nooc dacarta ka mid oo ay ubaxeeda udugga badan Carabta reer Yamaneed jecelyihiin in ay duubka surtaan. Wax khudaar ahi waa qajaar, ukumi iyo karkadeega la cuni karo ee aan karinta u baahnanyn, wax miro ahina waa uun nooc qare (xabxab) yaryar ah.

Ka dib markii aan beerta dhex mushaaxeedii ku raaxaysannay, ceelkana ka mayrannay, ayaan aniga oo buntukh gacanta iigu jiro u dhaqaaqay xagga dhanka kaynta ah ee ilaa xagga badda u fidsan. Bakayle iyo nooc digiirankurus waawayn ah ayaa ku badan meesha. Sagaaro Golcasta yaree qurxoon e wax yar ka wayn bakaylaha Ingiriiska ayaa iyaduna dhirta ka dul boodboodeysay, iyada oo lugaheeda yaryar aan sahal loo arag xilliga guga. Waan ka baqay in aan xabbad culus ku rido meesha, maxaa yeelay Badawi aqalladood, xoolo iyo eeyo ku badnaa darteed. Xoolaha ruuxoodu marka ay dad arkaan aad bay uga didaan, xabadda yarina ma gaadho sagaaro. Waxaan se ku aarsaday in aan digiirantii xasuuq ba'an u geysto oo si isla mid ah ay shabaaxtanka iyo dherigaba noogu anfacday. Waxaa weheliyay xayn tukeyaal duqay ah oo aan soo riday, kuwaa oo xammeetidooda askartii Carabta ahaa ay goojo indhood ka dhigteen.28 Shishadeenna waxaa dhacda Waraabaley ama buurta dhurwaayada.29 Ma aannaan tegin annagu, maxaa yeealay dadkii degganaa oo dhan waxaa ka soo barakiciyay reerguuraa hayaan ah.

Soo noqodkeennii beerta ayaan ka quraacannay, markii roob yimina dibedda ayaannu u yaacnay, si aan ugu raaxaysanno farxadda Oryantaalka ee roobka lagu qubaysto. Cali Iskandar, Carab oday calooshushaqayste ah ayaa maaweelo aan kala go' lahayn naga dherjiyay. Xoogaa opium (maan dooriye) ah ayaa qofka yara waalay, markaa ayaysan shactiradiisa maadda lehi kala joogsanayn. Dabadeed buntukhyadeennii ayaan la soo baxnay oo tartan baydarinnimo u dareernay, iyaga oo dad kalena na soo weheliyeen. Carabtii laf ayay meel 200 oo tallaabo noo jirta qotomiyeen. Waa meel aad ugu dheer dad badanaa shiishkoodu 50 yaardi ku egyahay. Taa waxaa u dheeraa, dabaysha dhacaysay oo qaraxa baaruudda wajigooda si xooggan ugu soo bitinaysay. Qaarkood laba ilaa saddex darsan ayay riteen, iyagoo aad uga foogaa yoolka oo hadba lagu qoslayay. Nin ayaa dabadeed laftii toogtay. Dabadeed in mar qura sharrabaaddii joojiyay, sida nin arrimahan waaya'arag ku ahi yeelo, ayuu kooxdii oo dhan gacan qaaday.

Mar dambe ayuu na tusay in guushiisu ay markan kama' uun ahayd; se wuxuu ahaa shiishyahan duqoobay oo aan libiqsan oo diric ku ah, sida Carabta Badwiyiinta ahi badanaa yihiin, xirfaddiisa iyo raacdo u adkaysigiisa. Anigu, maadaama aanan qori haysan daawade ayuun baan ka ahaa. Rifoolfarradu (bastoolad khasnaddeedu wareegato marka la ridayo) xiise aad u xooggan ayay kiciyeen, in kasta oo dadka qofna lagu kari waayay in uu taabto. Middooda ugu weyn oo baad loo yeelay waxay u ekaatay kaarabbiin aad u wacan, marna waxaa ba loo baxshay Abuu Sita (lixle) iyo Shaydaanka. Bastooladjeebeedku waxa ay la baxday Malcuunad, fogaanta ay riddada rasaasta gaarsiisaana nin walba waa ka yaabisay. Carabtu waxay siteen shucaysyo duqoobay oo badankooda dhuuntu duugow la lisantahy, ilaa ay sidii xaashi khafiiftay. Badanaa waxay ridaan iyagoo suxulkooda midigeedi dhegta la simanyahay, gacanta bidixi qoriga dhuunta hayso, meesha xaggayaga gadaal uun la qabto. Xasan Turki (ama Tuke, sida ay u badantahay) wuxuu watay mid ka mid ah qoryihii Shishkhaanaha wanaagsan ahaa ee waagii hore Siiriya iyo Sanca lagu samayn jiray. Waxuu si qumman u qaadan karay kanooni laba wiqiyadood culays le'eg, laakiin si qaab daran ayaa baadkiisa afargeeska ah ee farmaajada Dhajka u eg loogu rakibay, mar walbana meel la cuskiyo ayuu u baahdaa.

Ku soo noqodkeennii xagga guriga, koox gabdho Ciise ah oo midabkayga ku maadeysatay, in aan dhab ahaan Muslim ahayna shaki geliyay ayaannu la kulannay. Carabtii waxay oodda ka rogeen in aan Sheekha Sheekhyada ahay, kooxdii gabdhaha ahaa toodii ugu qurxooneydna ugu macneeyeen guur dalbasho degdeg ah. Ka ma muuqan wajigeeda wax kale khajilid mooyee, waxayna carabaabtay in yaradkeedu yahay kuul Awdali30 ah, dhawr maro, dhawr xantoobo oo kuulo ah iyo xoogaa xoolo ah oo aabbaheed loo geeyo. Waxay u ballanqaadday, si warmoognimo leh, in ay maalinta xigta soo noqonayso si ay alaabadaa isha u mariso. Warka magaaladu waxba iska ma hortaagin ee wajigabaxa labadayda weheliye ka muuqday ayaa in aannu mar kale kulanno hor joogsaday. Zaylac ayaannu soo gaarnay, ka dib markii aannu qorraxda ku soo lugaynay, Carabtii i galbinaysayna qoryahoodii ayay cabbaysteen oo inta wadiiqo aan maro ii banneeyeen dabrid salaan ah ii rideen. Dabadeed qaxwe iyo macmacaan ayay u holladeen.

Nofeembar 24, waxaan helay fursad aan ku arko sida Sooaamlida magaaladu fulayo u yihiin. Kuwaa oo sidii horeba loo sheegay Carabta negi la mid ah, waa nooca dadkooda ugu liita. Saddex badawiyiin Ciise ah ayaa iridda koofureed ka soo muuqday, sac ayay gawraceen, madaxii ayay xabaaleen, dabadeed ergo ayay soo dirsadeen si loogu ogolaado in ay booqdaan mid iyaga ka mid ah oo Xaajigu u soo xiray dil uu u gaystay wiilkiisii Mascuud ahaa. Hal mar ah ayaa meeshii oo dhan jahawareer ku dhacay. Irdihii oo dhan ayaa la xiray, darbiyadana niman Carab ah oo buntukhyo ku hubaysan ayaa la dhigay. Saddexdii nin ee ila socotay waa is hubeeyeen, anigana waxaa la iigu yeeray in aan shaqaaqada ka qayb galo. Qaar waxay sheegeen in badwiyiintu magaalada falayaan31, kuwo kale waxay sheegeen in raggu hordhac u ahaa col u soo duulay in uu magaalada burbursho, qabsado, waxna laayo. Waxay ku dambaysay in badwiyiintu ka soo hor mareen saaxiibbadood oo soo galbinayay addoon Xabashi ah, todoba neef oo geel ah, todoba neef oo lo' ah, dameer cad iyo baqal yar oo madow oo ay magdhaw u wadeen. Maxbuuskii walaalki ayaa xabsiga ku booqday oo ku deeqay in uu la wadaago qolkii uu ku xirnaa. Shirkooda waxaa lagu sheegi karaa kan ugu caloolxumo badan. Qayb ahaan waa dhanka fikirmaskaxeedka ka aakibka ah meeshan, dhinac kale na waa wax u gaar ah ummad xiriirka xigtonimo ee ay dhab ahaan u qirsantahay uu yahay kan ragga uun ka dhaxeeya. Xaajigu, hadal dheer ka dib, wuxuu jileec ku muujiyay in uu dambiilihii nolol ku tago. Arrintan iyo siyaasadnabadeedka guud ahaaneedba waa sida kaliya ee hubaasha dhiig sii daata iyo dil fool xun suuro gelisa. Dhawr bilood ka hor uun bay ahayd markii badawi Ciise ahi iridda bannaankeeda u duufsaday wiil yar oo ilaa shan iyo toban jir ah dabadeedna u gawracay in uu ka baashado32 awgeed. Xigadii wiilka waxaa la oggolaysiiyay in ay mag qaataan, dadxunkiina isaga oo aan xagatini gaarin ayaa la sii daayay. Cafis doqonnimo uun iska dheh!

Ha u malayn gacaliye Lumsdenow in aan si ulakac ah ugu seetoobay danikubaddayda hal bil oo Zaylac joogiddeeda ah. Laakiin, sidee kuugu qeexaa majaxaabada ay kuu gaystaan shaqo nacayb Afrikaan, gacanbidixayn iyo shaki aan dhammaan? Afar bilood ka hor, intii aanan Cadan ka soo tegin, ayaan go'aansaday ka sii taxaddaridda in aan Xaajiga la kulmo oo ka codsado in uu Abbaan33 noo dooro, awr iyo dameerana keeno.

Laba bilood ambabxa ka hor ayaan u qaddimay lacagtii looga baahnaa waddan waxba aysan ka qabsoomin iyadoo lacagta la wada bixiyo ama carbuun la sii dhiibo mooyee. Abbaanka waa in la jiscimaa meel walba, dadka iyo duunyada Tojorra dhooban, meel maalin shiraacasho uun u jirta Zaylac. Markii aan imid waxba diyaar ma ahayn. Aniga ayaa xataa mar barasaabka ka baryay in uu hawshayda u istaago oo isu muujiyo, si xushmad lehna wuu iigu ballanqaaday in isla saacaddaaba uu farriin dirayo. Hase ahaatee, toban beri oo kale ayuu dib uga dhacay in uu sidaa yeelo. Dabadeed, dabayl bari ayaa ku dhufatay, taasoo marmarsiiyo sii siisay in ciidankaygii ay laba toddobaad oo kale sidaa ku lumiyaan. Socoto waa jin caraysane, waa isa soo mutuxay oo daahid ka cabasho xanaaq furka tuuray, si aan degdeg iyo ulajeeddo daneed u muujiyo. Waxa kaliya oo aan dheefay hadal badni iyo ilaaq la daldalo. Xaajiga iyo wiilkiisu ba waxay igu sabeen in sidii ilme la koolkoolinayo oo kale cunnada iyo caanahaba la ii labajibbaaro. Waxay iiga digeen in cudurka furuqu Harar ku habsaday, jidka aan budhcad la la mari karin, amiirka (Harar)na uu masiibo la hubo yahay. Naftayda waxaan ku maslaxay markii ay ii soo baxday in labaduba buunbuuniyeyaal Oryantaal ah uun yihiin, dabadeedna waxaan ku sii waday cabasho xanaaq leh oo joogto ah. Odaygu sirtayda waa saari waayay. Waxaa si xan ah looga hayaa in uu yiri " haddii Ingiriisku rabo in uu Harar qabsado, 500 oo askari ha ii soo diraan, haddii kale wixii xog arrinka ku saabsan oo dhan waa bixinayaa". Markii uu ku qancay in safarku iga go'anyahay ayuu dib isugu noqday, si uu u baxnaaniyo faa'iidada ka dhalan karta dhacdadaa, sida baalasha soo socda ka muuqatana ku ma uu hungoobin xisaabtankiisii.

Dhammaadkii Nofeembar, awr afar ah ayaa la diyaarshay, abbaan ayaa la qalqaalshay, laba haween oo cunno kariyeyaal ah iyo adeege afaraadna waa shaqaalaysannay. Dibuhabayn ayaa alaabooyinkaygii saadka lagu sameeyay, dharkii iyo tobaakadiiba dermada ayaa lagu tolay, si awrta dhinacyadooda looga kala rido34, saandal socodka loogu talagalay ayaa la ii jaray, warqadna waa la qoray. Farriimo dardaaran dheer oo aad uga muhiimsan in qalin iyo warqad lagu dhigo ayaa nala sii faray, shir ayaa la qabtay, hawluhuna ifafaale ambabax ayay yeesheen. Xaajigu wuxuu si xooggan noogu fartiimay mid ka mid ah qoysaska ugu magaca dheer carriga uu dego qabiilka Gadaabursi oo noo sii gudbin doona seeddigood Aadan, garaadka ama amiirka beesha Geri. Isaguna wuxuu markiisa nagu simi doonaa reer xididki, Amiirka Harar. Silsiladdaa isudhiibka ahi waxay ku bilaabatay iyadoo nala ku wareejiyay Raage, beeldaajaha hoose ee Mamaasan Ciise. Kaalmada wacan ee Xaajiga iyo macmacaankii aannu wadannay iyagoo la adeegsanyo ayaa waxaa lagu qanciyay in uu toban toob35 qaato, waa qiime iska dhexdhexaad ah e, oo uu na weheliyo ilaa seeraha jilibkiisa aan dhaafaynno. Waa qiyaas ahaan 50 mayl, in uu Gadaabursi nagu simo oo is kaaya baro, in uu saddex rag shaqaale ah na siiyo iyo in uu wehel ilaalo ilaa labaatameeyo ah oo meelaha halisuhu ka jiraan na mariya nagu daro. Wuxuu noogu bilaabay in uu si isqaadqaad leh noola baarramo, isaga oo shaaca ka qaaday in khatarta intaa la'eg aanu "magac" mooyee wax kale ugu babac dhigeen, xoolihiisiina uu ka soo tegay xilli xun, iyo in qaraabadiisa oo dhammi ay wax qaddarin ahaan loo cayimay helaan. Hase ahaatee, maadaama aan dhawr beri qura oo uu reerkiisa ka maqnaanayo ugu yaraan saddex bawndhi ku siinnay, waa ka diidnay gacanfurnaanta noocaa oo kale ah, waxaana aan rumaysnahay in wehelladaydu ku yiraahdeen "marka dambe." Mar walba oo hawlahan (gorgortanku) ay socdaanna qolka ayaan ka baxayay, maadaama marka hal shay la bixiyaba ugu yaraan shan kale wacad lagu dhigto. Raage wuxuu si aad ah noogu digay in aan khatar iyo musiibooyin u diyaagarawnno, taa oo u muuqatay mid ay wada qabeen reer Zaylac oo reer magaalaheeda fulayada ahi isaga keen daayeen kuwa naftooda nacay uun.

Qabow ayaa imminka reer guuraagii ka soo saaray oogaga oo xagga xeebta diirran iyo gubanta u soo dejiyay36; sidaa awgeed, waa in aannu dhul dad badani degganyahay sii dhex marnaa, sida Yawmul Qiyaame markiiba murti ku haleelayna "oommane kuma dilo e dad baa ku dila". Waxaa intaa sii dheer iyada oo sannadkan Nuux Ismaaciil, jilib ka tirsan beesha Habar Awal, ay ku "baxeen" kana guulaysteen Ciise oo guud ahaan ah niman iyaga dhaama. Carradaa ayay lugta mariyaan iyagoo soo saara Qoon ama Kumaandowsyo ciidan tirada labaatan ilaa laba boqol gaara isu la socda oo ku hubaysan warmo, toorrayo iyo gaashaammo. Waxaa kale oo ay qaataan sibraarro biyaysan iyo saddex geeddisocod lagu maro, ku na filan muddo dhulka hoose ee deexda ah lagu gebagebeeyo. Ragga kuwooda dirirtu dhab ka tahay aad uga ma hayso in ay wax dhacaan marka ay ula gudboonaato qurgooyada ay magacooda ku bilayaan (baashadaan). Nin walba kooraha ayuu baal goray oo ka dhigan calaamad daacadnimo ka lulaa37, marka hootadiisu wax ka dhiijisana tuurkiisa taaloogan ayuu ka taagayaa, taaa oo ay weheliso raynrayn la mid ah midda aan darreenno kolka aannu billadsharaf jaakadda suranno. Ma ahan sinnaba in cadawga dagaal gobeed lagu dilo e dhagar tii Spartan38 u dhiganta ayaa laga door bidaa in si qumman loo dagaallamo. Fikradda ay sharaf ka haystaan waxaad ka dheegataa uun iyada oo sidii Suuluuga libiqsi la'aan haweenka la dilo, cabsi laga qabo ilmaha aan wali dhalan in uu wiil noqdo darteed. Halyaygu wuxuu la soo cid galaa billad muujinaysa halyeynimadiisa39. Markaa ayay haweenaydiisii inta aqalkeedii ka soo booddo alalaas farxadeed oo dhagajabis ah la dhawaaqdaa. Waa hordhac ay kor ugu dhigayso geesinnimada ninkeeda si colaadin lehna ugu dullaynayso kuwa kale ee waxmatarayaasha ah. Haweenkan aan loo bogin si xun oo colaadi ku dheehantahay ayay raggooda ugu aabyoodaan, dabadeedna ragga waxaa maasheeya camashood isugu jira hinnaase, nacayb iyo qabiidnimo aan loo meel dayin.

Intii yarayd ee aan Zaylac joogay lix ilaa toddoba dil ayaa ka dhacay agagaarka gidaarrada magaalada. Abbaanku wuxuu soo weriyay in saacado yar ambabaxeennii ka hor laba nin oo Ciise ah ay Habar Awal gawraceen. Ciisaha iyo Danaakilada (Cafar) aano dhiig oo dil joogto ah sababta ayaa u dhaxaysa. Laakiin, sida ay dadku leeyihiin, muddo aan fogayn lix nin oo labadaa beelood kala ah ayaa wada socday, dabadeedna si lamafilaan ah ayuu kii ugu dambeeyay kii ka horreeyay dhabarka dambe gantaal waran daran ah kala haleelay. Ninkii dhaawacnaa wuxuu miyir ku haleelay in uu toorray iska soo gooyo oo uu ninkii isaga ka horreeyay la gaaro, sidaana uu wehel la dhintay. Mid ka mid ah dhacdooyinkan oo kale ayaa waddanka oo dhan khalkhal gelisa. Aanada oo nacaybkeedu qoto dheeryahay darteed ayaa dhiig badani ku qubtaa, tabtii Jarmalkii hore ay ka ahaan jirtay ama Koorsikada40 maanta. Abbaankayagu wuu ka badbadinayay lamahuraannimada socdaalka baas ee habeen oo dhan buuraha la jibaaxayo maalinkana keeblayuururka (ama dhacsaalka) la yahay. Wakhtiyada ugu halista badani waa oogta waaberi iyo cilcillowga fiid. Colku xilliga qorraxdu kulushahayna fardahooda ayay nasiyaan, xilliga dhedodhacana naftooday nasiyaan. Mar walba oo oommanaha oraahdu tiraahdo "rag oo dhammi waa isu cadow" aad aadane meel dheer ka aragto, gacanta midig ayaad si xooggan kor iyo hoos ugu haadinaysaa, adigoo ku dhawaaqaya "war jooga! war jooga!" Haddii ay joogsadaan, ergay meel laga wada hadli karo u jirsada ayaad u diraysaa. Haddii ay joogsan waayaanna dabka ayaad saaraysaa, adiga oo hubinaya in aadan la waayin riddada. Marka aad laba kooraha kala tuurto, waa hubaal in ay oodda jabsanayaan41.

Abbaankii ayaan ku amray in uu is diyaariyo 26ka Nofeembar, maalin Axad ah. Waa mar sabir iga sii dhammaanayo oo in aan dhulka oo dhan in aan socod ku sii maro ay iga go'antahay, intii aan maalin kale ku dayici lahaa dad sugiddi. Goor xaaladdu quus joogto ayay si lamafilaan ah u soo muuqatay dooni Tojorra toos uga timi. Sida laga fisho sheekooyinka Habeennadii Carbeed42 ayaa dabadeed afar baqal oo wanwanaagsan oo qaab Xabasheed loo kooreeyay oo heensaysani illinka ka soo muuqeen.

La soco cutubka 4aad ee xiga.

Mahadsanidin.

  1. Ninka Jasiiraddu ku magacaabantahay. - Tarjume
  2. Avalites waxaa lagu sheegay Sayliciyiintii ama Casabiyiintii hore. - Tarjume
  3. Badda Cas oo af Giriig ah. Qoraalkii taariikhiga ahaa ee Periplus of the Erythraean Sea (Periplus of the Red Sea) ayaa wax ka qoray Avaliteska. - Tarjume
  4. Pliny wuxuu ahaa qoraa Roommaan ahaa oo taariikhda dabiiciga ah (natural history) wax ka qoray. Pliny the Elder (Plinygii waynaa) ayaa la oran jiray, kii yaraa oo uu adeer uu ahaa ayaa isna jiray- Tarjume
  5. Xabasha (Aksum). - Tarjume
  6. Sida ay u dhowdahay, Carabtu waxay ahaayeen gumaystayaashii xeebtan ugu soo horreeyay. Xataa dadka Sawaaxiligu waxay sheegaan in awoowayaashood ay asal ahaan ka yimaadeen koofurta Carabiya. – Ilaa waagan la joogo degmada Gozi waxaa deggan Muslimiin lagu magacaabo Arablet, oo sida uu qabo Harris "abuullankooda la sheegay in halkaa lagaga tegay, ka hor intii aanu xukunka qaban Neguus, boqorkii koowaad ee Shawa [Menelik II]. Xuseen, Wahaabi iyo Cabdulkariim oo sida ay u badantahay ahaa Abbaanduuleyaal ka goosmay ciidankii guulaystay ee Gurey ( [Axmad] Gurey) ayaa la sheegaa in ay ka yimaadeen Maka oo ay dhulkan qabsadeen. Sheekadu waxay dagaalyahannada kan ugu horreeyaa ay magaalo madaxdiisa ku sheegtaa magaalada aadka loo degganyahay ee Madiina, taas oo laga arki karo dusha fiiq buuraha dhexdooda ah, in yar ka dib marka la galo togga Rabiic. - Burton, end notes.
  7. Taqi al-Diin Maxammad ibn Macruuf al-Shaami (1526-1585). Caalin iyo cilmibaarihii waynaa ee ku takhasusay aqoonaha xiddigiska, fogaancabbirka, xisaasbta, makaanikada iyo muraayadaha aragga ilayska (?). - Tarjume
  8. Hatze (Kal Hatze) waxa uu la macne yahay afhayeenka Boqorka. Asal ahaan eraygu waxa uu la xiriiraa Masiixiyadda oo uu ka dhiganyahay afhayeenka samaawiga ah. Boqorradii Xabasha qaarkood waxay sheegan jireen afhayeenka ama wakiilkii boqortooyada samaawiga ah. - Tarjume
  9. Emberaadoor Lebna Dengel (Dawit II). - Tarjume
  10. Xiriirka xigaalo ee ka dhaxeeya Soomaalida iyo Berberiyiinta Afrikada Galbeed, iyo faracii Kancaan, wiilkii Xaam, waxaa si cilmi ah uga dooday oo uga hor yimi dhowr qoraa oo Muslimiin ah. Fikraddu waxay u muuqataa in ay qalad ka dhalatay. Berbera, carwada wayn ee carriga Soomaaliyeed, ayaa lagu qalday Berberiyiinta Nuubiya. - Burton
  11. Sida ay u badantahay waa Zaydi Yaman ka yimid. Hadda dadka Saylac dhammaan waa Sunniyiin qumman. - Burton.
  12. Kalluunku, sida bogaggan laga akhrin doono ba, waagan ma aha cunno la ga helo. - Burton
  13. Halkaa ayuu ka soo jeedaa ganacsiga u dhaxeeya Afrika iyo Cutch oo ilaa waagan la joogo kala go' la'aan u socda. Awdal, Carabiya iyo Hindiya, sida Bruce sheego, waxay ahaayeen saddex shirko ku wada ahaa ganacsi ay si wadajir ah waxa ay soo saraan ugu dhoofin jireenYurub, Aasiya iyo Africa oo markaa ahaa dunida la yaqaan oo dhan. - Burton
  14. Turkidu si ay u muujiyaan in ay ganacsiga ilaalinayaan ayay xarumahaas ka dhisteen dekado kala duwan. Laakiin waxay durbadiiba u muujiyeen in ulajeeddada laga lahaa ay ahayd uun in la calaamadiyo raaciyada baadda ugu wayn laga qaadayo. Jedda, Zabid iyo Mukha, meelaha saamaynta ugu dhow ku leh Xabasha ee xeebta Carbeed, Suwaakiin oo ah magaalo dekadeed cirifka Xabashiya saaran ilaa jidka ugu dhow ee safarkooda dhinaca Afrika ee Qaahira ku socda waxaa mid walba hoos tegayay Baasha Turki ah, waxaana xero ku lahaa ciidammo Turki ah oo Qusdandiiniya ay ka soo direen Imbaraadoorradii Saalim iyo Sulaymaan. - Burton, endnotes.
  15. Ludovicus Bartema wuxuu ka mid ahaa dalmareennadii reer Yurub ugu hoorreeyay ee aan Muslimka ahayn ee taga Dhulka Barakaysan ee Makka iyo Madiina xilliga Xajka waxna ka qoray sidii uu u tegay iyo wuxii uu ku soo arkay. Eeg qormada Burton kaga sheekaynayay socdaalkiisi uu ku tegay Xajka. - Tarjume.
  16. Arabia Felix oo macnaheeda oo af Giriig ka soo jeedaa yahay Caraabiyada Faraxsan [barwaaqo]waxaa guud ahaan loo yiqiin Caraabiyada Koofureed, gaar ahaanna Yaman iyo nawaaxigeeda. Dhulkani Jasiirad-la-moodda Carbeed intiisa kale waa ka barwaaqo iyo waxsoosaar badanyahay, waxaa u dheeraa ganacsiga ilaa Caraabiya, Hindiya iyo Afrika isku xira oo baraare ballaaran gaarsiiyay. Halkaa ayay Farxaddu ka soo jeedaaa. Xilligii Yaman ay xukumaysay Boqoraddii Saba oo waa barawaaqadu baahday ahaa ayaa la sheegaa in magacani baxay - Tarjume
  17. Baabilooniya waa magac taariikheed loo yiqiin dhul ay ka mid tahay Ciraaqda maanta. Nilus (Naylas) wuxuu ahaa wadaad Masiixi qoraana ahaa oo qarnigii 4aad ee Miilaadiga noolaa. - Tarjume
  18. Masar. - Tarjume
  19. Bartema qoraalkiisii ku saabsanaa waxsoosaarkeeda sidan soo socota ayuu ahaa: "carradan waxaa ka baxa sarreen, hilib badanna waa ay leedahay iyo waxyaalo badan oo kale oo qiime leh. Waxay kale oo leedahay saliid aan tan saytuunka ahayn oo waxyaalo kale oo aanan garanayn laga tuujiyo. Waxaa kale oo laga helaa malab fara badan. Waxaa sidaa oo kale iyana ku ah nooc ido ah oo baridoodu ilaa toddoba kiilo tahay, baruurtuna ka sii badantahay. Madaxa iyo luquntu waa madowyihiin, inta kalena waa caddahay. Waxaa kale oo jira ido iyaga oo dhammi wada cad oo sayn baac dherer jeedda oo sidii rucubyo waawayn oo canab ah u raaraca leh. Waxa kale oo ay leeyihiin macalo waawayn oo caalaha ka lusha, sida dibida, oo ilaa meel dhulka u dhow xaaba. Waxaa kale oo jira nooc geeso sida kuwa Siigga oo kale ah leh. Kuwani waa duurjoog, marka la soo qabtana waxa Suldaanka magaaladaa loogu geeya hadiyad sharafeed ahaan. Waxaa kale oo aan halkaa ku arkay nooc gees kaliya wajiga bartankiisa ku leh, sida kan unicronka dherer la'eg, se geesku gadaal u u jeedo [?]. Midabkoodu waa dhiin dhalaalka ifaya. Laakiin kuwa geesaha Siigga oo kale lehi waxay u yara dhowyihiin midab madow ah. Nolosha meeshu waa mid wanaagsan oo raqiis ah. - Burton, endnotes.
  20. Dadku waxay leeyihiin sheeko ah in ceel macaan uu ku yaal qayb aan loo jeedin oo jasiiradda ka mid ah. Markii Saacadadiin uu hareereeyay Dawit Hatze, Muslimiintii aad ayay oon ugu baaba'een. - Burton
  21. Macdan dareere dabiiciya ah (badanaa nooca calcium carbonate) oo ka da'da hulalka gebiyada ah ee buuraha ama dhulka hoostiisa ka hulan. Muddo dabadeed ayay adkaataa oo sidii mudacyo saqafka laallaad uga soo taagtaagantaa. - Tarjume
  22. Qandhada Malaariyada ee 72 saacadood ba (2 habeen iyo 2 maalmood) mar soo rogaal celisa, ama isla cudurkaa oo afartii biloodba mar dillaaca. - Tarjume
  23. Mar mar Saylac oo xoolaha oo dhammi qaali ka yihiin geela Dankaliga waa laga iibsan karaa. In kasta oo uu yaryaryahay, waxa uu qaxar iyo daal uga adkaysi badanyahay noocyada kale. Qiime dhexdhexaad ah wuxuu noqon karaa ilaa 10 doollar. Soomaalidu waxay geelashooda u qaybshaan laba nooc: waa Geelcad iyo Cayuun. Kan hore midab cad ayuu leeyahay, qaab jireed ahaan ma buuxo, waana tabar yaryahay. Sida Lafdhan Speke ii sheegay wuxuu aad ugu wanaagsanyahay dhulalka oommanaha ah. Cayuunku waa ka madowyahay kana xoog badanyahay, qiimihiisuna wuxuu isku celcelis u dhigmaa ilaa afar meelood oo meel inta Geelcadka la siisto. Dalmareenka Carbeedi wax ka neceb geela Soomaaliyeed. Maalintii waa in afar saacadood la daajiyaa, haddii kale socod dheer ma geli karo. Haddii daaqa loo beddelo ama dal kale si dedeg ah loo geeyo wuu ku le'daa. Dhabarkiisu mar walba raragoys ayuu yeeshaa, si kasta oo looga taxaddarana socod bil ah wuxuu la dhacsaalaa muddadaa saddexdeed. Rakuubsi waligi loo ma adeegsado, kaliya marka xanuun ama shil dhaco mooyee. - Buron, endnotes. – Dadka Soomaaliyeed ee geela iyo cilmigiisa yaqaannaa sidaan ku ma raacsana Burton. Akhri buugta ay ka mid yihiin Geel waa Magool Xoolaad ee uu qoray Khaalid Cali Guul (Ahun), ama warayso dadka waaya'aragga Soomaaliyeed ah ee geela wax ka yaqaan. Tusaale ahaan, Soomaalidu geela gaadiid ahaan u ma fuusho xaalado gaar ah mooyaane. Sababtu ma aha tabar yari geela loogu turayo ee qofka Soomaaliyeed ee geela jira ama dhaqdaa u ma quudho ama waaba ka faanaa in uu rakuubsado, maxaa yeelay ma ba daalo xanuunkiisuna aad ayuu u yaryahay. Carruurta, waayeelka tabar darreeyay iyo qofka xanuun ama cillad kale la socon waaya uun ayaa la fuuliyaa. - Tarjume
  24. Isla sanadkaa (1429-30) ayuu Sheekh al-Shaadali oo ku aasan qubbiga Mukha hoostiisa uu Carabiya bunka soo geliyay. - Burton
  25. Sadarradan soo socda waxaa laga soo dhex saaray the Pharmaceutical Journal, vol. xii, No. v, Nov.1, 1852. Qoraallo ku saabsan maandooriyeyaasha Cadan, Carabiya, uu ku arkay James Vaughan, Esq., M.R.C.E., Assist. Surg., B.A., Civil and Port. Surg., Aden, Arabia. – "Kât, waa magaca maandooriyaha dhulka gudaha ah Cadan looga keeno, aadna ay u adeegsadaan gaar ahaan Carabtu sidii wax nafta kiciya oo raynrayn laga helo. Guud ahaan waxaa isaga oo awr loogu soo raro rarmooyin yaryar oo ka kooban xirmooyin yaryar oo afartan laamood oo dhuudhuuban oo caleentoodii wataa ku jiraan. Si feejignaan leh ayaa loo soo duubaa, si intii la awoodo cimmilada saamaynteeda looga jiro. Caleemaha ayaa ah qaybta la cuno, marka la calaliyana waxaa la sheegaa in ay keenaan raynrayn wayn oo naftu dareento iyo xaalad firfircooni loo bogo leh. Wax uun qiimayn ah ayaa laga samayn karaa jacaylka ay Carabtu u qabaan maandooriyahan tiradiisa Cadan oo kaliya laga cunaa ay u dhiganto ilaa 280 rati rarkood sanadkii. Qiimaha suuqu waa rubuc rubiyad marduufkiiba, shatiga goonida ah ee lagu iibiyana waxaa dawladda looga goostaa 1500 oo rubiyadood sannadkii". - Burton, endnotes.
  26. Waxay u badantahay in uu yahay "Wabiga Saylac" ee ay sheegeen Ibn Saciid iyo kuwo kale. Waa uun daadxoor ciidda dusheeda ah, sida kuwa la midka ah ee dhulka gubanta hoose ah lagu arko. - Burton
  27. Dhulka oogada ah waxaan ku arkay noocyo badan oo iskood dixaha uga baxa. Badawiyiintu waxay ku magacaabeen Boocmadow, se waxa ay tarto waa iska moogaayeen. - Burton
  28. Laynta "Tukaha" Soomaalidu waxay diini ahaan la meel dhigaan tan maska. Waxay leeyihiin sheeko ah in tukuhu asal ahaan caddaa oo uu dambigiisa la madoobaaday. Markii Nabiga [nnk] iyo Abu Bakar [Arn] ay godka ku dhuunteen, qoollaydu cadowgoodii cayrsanayay way ka qarisay; tukuhu na si lid ku ah ayuu inta dul fariistay oo ku dhawaaqay "ghar! ghar!" (godka! godka!) yiri. Halkaa ayuu [Nabi] Maxamad [nnk] ku habaaray tacsi joogto ah iyo uu waligii ku celceliyo erayadaa badhifurka ah. Dhawr nooc oo tuke ah ayaa ka jira Afrika dhinaceedaan. Nooca qublaha ballaaran ee Kuraha Harar kaliya ma ahee waxaa kale oo aan arkay nooca Yurub ku badan ee baalasha shafka oo fiidda ka cadi ay nusgoobo ku xardhaan ilaa caloosha. Kan yar e "tuke boqor" loo yaqaan ee Hindiya isagu na waa ku badanyahay. Indhihiisa casaanka ifaya ah iyo baallihiisa basaliga ah ayaa muujiya marka uu geela dhaadheer ku dul degoo ama geedaha ruxanaya iska dhakooliyo. - Burton
  29. Xayawaankani dhulka Soomaaliyeed oo dhan waa uu ka buuxaa, habeenkii oo dhan xerada ayuu agaheeda qoodeeyaa, socotada dhibaa, wax walba oo uu heli karo waa cunaa, mararka qaar carruurta iyo geela ayuu dilaa, markii gaajo xumi ku dheggantahayna dadkaba waa hunguriyeeyaa. Soomaalidu waxay sheegtaa in Waraabuhu labafarjile yahay. Sidaa ayaa dadyawgii horena u aamminsanaayeen in uu waraabuhu labada jinsiba wada leeyahay, waa qalad laga fahmay muuqaalka dalool yaroo gaar ah oo xagga dambe uu ku leeyahay laba qanjir oo soo daaya dhacaan layiig ah. -Burton
  30. Raggu waxay qurux ahaan luqunta ugu xidhaan suun goobo casaan ifaya ah oo xagga hore laga lulay laba dhagax oo afar gees cambar ama dhagaxmalab qumman ama mid lagu matalay ah. Si ay ahaataba, "Makaawi"ga waa dhif in lagu arko badawida dhexdooda. Awdaliga ama kuusha haweenku waa mid ka qurux badan oo cambar, kuulo quraarado ah oo badanaa midabbaysan iyo dhagax shacaabi ka samaysan. Haweenay walba oo awooddaa waxay leedahay mid mardaaddisyadaa ka mid ah. Lab iyo dheddigba waxay qoorta ku qaataan ama xusulka midig uga lusha xirsi halista iyo xanuunka laga xirto oo sanduuq yaroo maar ah ku jira ama sida badan lagu tolo jeeb yar oo magad cas ah. Badawidu waxay ka helaan in ay caday ku xiraan suunka qoorta ugu xiran. - Burton
  31. Erayga Soomaaliga ah ee "Fal" dhab ahaan macnayaashiisu waa "wax falid" ama "sixir wax ku doorin", kan dambe ayaa laga wadaa. - Burton
  32. Baal goray oo tuurka madaxa laga taago xarrago iyo faan geesinnimo ahaan. - Tarjume
  33. Abbaanku waa bixiyaha [qof meel colaadeed kugu hagoogta oo ku bixiya ama ku marsiiya] carriga Soomaalida. Waa Mogaasaha Gaallada, Akha Al-Xijaas, Ghaafirka Jasiiradlamoodda Siinay iyo Rabiicada Caraabiyada Bari. Si ay ahaato se, waa in la ogaadaa in erayga widayga iyo bixiyahaba loo la jeedo. Macnaha dambe waa eray edboon oo qofka Soomaaliga ah loogu yeero, sida marka uu uu xaaskiisa ugu yeero "Yaa Abbaanah, Bixisooy." – Abbaanku waxa uu u shaqeeyaa sida dillaal, dal mariye, wakiil iyo tarjumaan intaba, nidaamkanna waxaa loo qaadan karaa noocii ugu horreeyay canshuuridda kala gudbinta ganacsi. Waxa la iibsho oo dhan waxa uu ku leeyahay boqolkiiba in cayiman, hooygiisa iyo cunnadiisa waxaa qaba qofka uu u shaqaynayo, si aan joogto ahaynna xigtadiisa ayuu hadiyado ugu qaadaa. Waxaa falcelis looga rabaa in uu turxaamaha oo dhan simo oo uu xataa magantiisa la safto goobaha dagaal ee tolki ka dhanka ah. – Haddii ay dhacdo in Abbaan la dilo, tolki wuxa uu ku qasbanyahay in uu xilka qabto oo uu qofkii abbaantay u sacabbagoglo. Xafiiska Al-Ta'abaanah oo ah mid "magac", wax xagga Bari u dhigma sharfiddeenna iyo maal, waxaa mar walba ka dhasha muranno si xaddhaaf ah u kululaada. – Sida sharciyada carrigu qabaan, Abbaanku waxa uu xukumaa nolosha iyo hantida abbaantihiisa. Socdaalaha guushiisu waxa ay guud ahaan ku tiirsantahay [abbaanka] sida uu ka yeelo. Haddii darajadiisu hoosayso, abbaanku wax ma bixin karo ma na gudbin karo. Haddii uu fulay yahay, hore u socod ma holo, haddii uu qaswade yahayna safarka ayuuba joojiyaa, isaga oo tolkii adeegsanaya, ciddii ganaaxi lahaydna waa uu leexsadaa. - Tarjume
  34. Soomaalidu waxay heeryo awreed u adeegsadaan dermooyinka aqalkooda. Rarada oo awrta si debecsan u dul saaran ayaa sababta in waqti badan oo qaali ah lagu lummiyo dheellitir hore iyo gadaalba ah. Marka cimmiladu qoyantahayna raradu waxay noqotaa rarka nuskii. Kuwa xoogaa ilbaxda ahi waxay ka sameeyaan kiish "jawaan" caws lagu cufeeyay ah [Abjad] oo kabaallo la saaray si wanaagsanna looga hagaajiyay in uu neefka raragooyo. - Burton
  35. Waxa uu qaatay afar maro oo jacfaan Cutch laga keenay ah iyo lix kale oo maryaha Marayakaanka qallafsan ah. Maryahaasi Saylac waxay ka joogaan labalaab inta ay Cadan ka yihiin oo ah ilaa 13 rupee ama 26 shilin. Miyiga marka la joogo qiimuhu waa afarlaab. Intii uusan naga tegin Abbaanku wuxuu qaatay ugu yaraan labalaab qiimihii markii hore lagu la heshiiyay. Marka laga yimaado hadiyaha yaryar ee maryaha, timirta, tubaakada iyo bariidka saaxiibbadi la siiyay ah, wuxuu kale oo qaatay lix baac oo Sacuuda Walaayaati ama marada Ingiriiska ee midabka buluugga ah oo gambooyinka haweenka laga dhigto iyo labo Sacuuda Kashi ah, nooc marada laga keeno Cutch u eg, Shawkad ama go' barki uu gabadhiisa u rabay, neef ido ah oo uu isagu qaatay iyo xirmo wayn oo tubaako wehelisa ah. - Burton
  36. Marka daaqu idlaado oo Maansuunku yimaado ayay badawidu kurahoodii qaboobaa ku laabtaan; sidii Iliyat-ka Beershiya ayay Kishlakh iyo Yaylakh [xilliyo] joogto u ah leeyihiin. - Burton
  37. Masaaridii hore baalka gorayadu wuxuu uga dhignaa calaamadda runta. Somaalidu waxay ku magacawdaa "Baal", Carabtuna "Riish." Halkan waxaa loo wada adeegsadaa calaamadda guusha. Guud ahaan baalka cad oo kaliya ayaa timaha la surtaa. Ciisuhu kan madow in ay adeegsadaan ka ma tagaan kolka mid kale ayan heli karin. Qabiilooyinka oo dhammi guudka ayay surtaan, laakiin mid walbaa xeer u gooni ah ayuu leeyahay. Qaarkood xarrago joogto ah ayay ka dhigtaan, kuwo kale se dhowrka beri ee hore ka dib waa iska xooraan. Culummada wax baratay dhaqankan waa iska fogeeyaan, iyaga oo ku haraama in uu ka soo jeedo diin la'aan iyo aafaan. Caamadu iyagu waxay u haystaan sharaf tan ugu sarraysa. - Burton
  38. Dadkii Sparta ee Giriiggii hore. - Tarjume
  39. Tani waa caado fac wayn oo Aasiya iyo Afrikaba lagaga dhaqmo. Macaabiddii Masartii hore waxaa lagu arkay tuurar billado dad laga soo gooyay ah oo boqorrada hortooda la tuunshay, tabtii indho ama madaxyo dad loogu hadiyayn jiray Beershiya. Sidaa oo kale ayaa Saam 1. Xviii.25 [suurad Baybalka Masiixiga ka mid ah] ay ugu qorantahay in Daa'uud u keenay wixii uu ka soo helay 200 oo Philisintiiniyiin ah [dad cirib go'ay oo ka duwan Falastiiniyiinta hadda la yaqaan] oo uu boqorka ugu bandhigay, si uu boqorka gabadhiisa u guursado. Wax walba oo arrinka laga qoray Xabasha (Bruce [James Bruce], buugga 7aad, cutubka 8aad) ama dagaalkii Afgaanistaan, waxay caddaynayaan in caadada maydgaraaca ee Kiristaanka iyo Islaamka labaduba ka soo hor jeedaan weli loo adeegsado cadawga la necebyahay iyo gaalada. - Burton
  40. Corsica (Koorsika) waa jasiirad ku taal Badda Miditerreanka. Waxay ku aaddantahay waqooyiga Talyaaniga, koofur-bari Fransiiska. - Tarjume
  41. Marka xoolaha la dhacayo, colka duullaanka ahi wuxuu ku dedaalaa in uu qoob iyo qaylo xoolaha ku kala didiyo, halka qolada la weeraray ay isku dayaan in ay isu celiyaan iyada oo lagu dedaalayo in halista koox ahaan looga hortago. - Burton
  42. The Arabian Nights (sheekooyinkii Kun iyo Kow Habeen). - Tarjume

Cutubka 4aad: Soomaalida, Sinjigeeda iyo Dabeecadaheeda Gaarka ah

Inta aanan Zaylac ka huleelin, waa in aanan moogaan in aan sharraxaad kooban ka bixiyo dadka deggan iyo Soomaalida yaabka leh ee ku hareeraysan. Bariga Afrika, sida Caraabiya ayaa waxaa laga helaa dad isugu jira saddex sinjiyadood.

  1. Ab'ogaa, sida Neegarro, Bushman, Hottentot iyo sinjiyo kale oo qaab jireed lagu garto, sida doollo waynida, dhar xirashada iyo calaamado kale oo Cuvier1 kii waynaa ku qeexay qoraalkiisii 1815.
  2. Qawqaasiyiinta miirta ku sigtay ee gobollada waqooyi ee galbeedka Masar ka xiga: Soogalootigoodu waxay isbarbardhig ahaan ku simantahay uun taariikhda casriga ah ee dhow.
  3. Iskadhalka Afrikada Bari waxaa guud ahaan ka mid ah Xabashida, Gaalla (Oromo), Soomaali, Sawaaxili, Xaamiyiin iyo Kaafirrada2. Dadka ugu horreeya waxay ku abtirsadaan Menilik, wiilkii Boqoraddii Saba ay Sulaymaan (n.k)3 u dhashay. Qaabdhismeedka jirkooda iyo muuqaalkooda aadka loo yaqaan ee aan faahfaahinta u baahnayn ayay ka muuqataa in ay ka soo jeedaan fir Saam iyo Xaam isugu jira (Neegar-Xaam). Midda ku saabsan firka Gaallada (Oromada) fikrado kala duwan ayaa laga qabaa. Qaar ayaa waxay ku sheegaan in ay ka soo jeedaan Carab reer Maka ahaa oo waa aan dhawayn xeebta galbeed ee Badda Cas soo degay. Marka loo eego waxa Xabashidu ka qabaan taa, si ay ahaataba, iyada oo aan fikirkooda laaxin badan loo ogayn, Gaalladu waxay ka soo jeedaan amiir dadkooda ah (Xabashi) oo guursaday addoon laga keenay dhul koofurta ka xiga Guraage4. Waxay u dhashay toddoba wiil oo noqday budhcad xooggan oo qabiilooyin askumay. Firkoodii wuxuu qaatay magaca Gaalla oo loogu magac daray wabiga Gala ee Guraage ku yaal, halkaa oo ay tolkood Xabashi si ba'an uga adkaadeen. Cilmiyada jinsiga (ethnology) iyo (physiology) qaabjireedka oo halkan in aan ku faahfaahiyo waqti iyo meel deeqda inaan u helaa ayan ii oggolaanaynin waxa ay ku doodayaan in Kaafirrada Cape-ku (Koofur Afrika) ay yihiin dad waqooyi ka soo hayaamay, oo wax aannaan weli garanaynin xagga koofurta u soo riixeen.

Meesha Soomaalidu ka soo jeeddo iyadu waa arrin taariikhda dhow uun ku siman.
"Barbarah" (Berbera)5 marka Qaamuuska laga eego waa "magaalo caan ah oo Magrib ku taal iyo dad laga helo inta u dhaxaysa Al Sanj, Sansibaar iyo xeebta Neegarrada, iyo Al Xabasha. Waxay ka soo jeedaan boqorradii Ximyar Sanhaj (Sinhaajiya) iyo Sumaama, waxayna yimadeed waagii Afrika uu qabsaday boqorkii Afríkús (Scipio Africanus?)"6 Dhawr faahfaahinood oo ku saabsan gudniinka iyo sarsaridda jirka ayaa caddaynaya in ay kuwaasi ahaayeen kuwii ay ka soo farcameen Soomaalida oo aan wax kale ahayn e uun ah falliiq Gaalla wayn ka soo ruqay, la Muslimiyay, dabadeedna ku Caraboobay soogalooti is-daba-joog uga yimid xagga Caraabiya. Qaamuuska waxaa kale oo aan ka akhrinnaa in Soomaali uu ahaa magacii aabbaha qabiil, magacaana loogu baxshay in uu walaalki il ka soo tuuray (samala).

Shaykh Jaamac, sinjiyaqaan aad looga dambeeyo, wuxuu ii sheegay in sanadkii 666 Hijriyada (1266-7) uu Sayidkii Yuusuf Al-Baqdaadi dekedda Siyaaro ee Berbera u dhow oo uu markaa degganaa sixirroole gaal ah oo buuraha awood sixir kaga dusi jiray. Weligu wuxuu kaalmo ahaan ugu yeertay Maxamad Bin Yoonis Al-Sadiiqii joogay Baytal Faqiiha Carabiya, ducadii ay isku biiriyeen ayaa dabadeed cawaankii buurtii ku awdantay. Inkasta oo ay sheekoxariiro iyo khuraafaad dhallanrogeen, sheekada salkeedu waa dhab. Dadka badan ee culumaa'uddiinkaas ka soo farcamay ilaa waagan ganaax mageed ayay sanad walba siiyaan ehelada ugaaskii gaalka ahaa. Soogalootigii Carbeed ee ugu dambeeyay uguna muhiimsanaa wuxuu dhacay qiyaas ahaan 15 fac ama 450 sano ka hor markii Shariif Isxaaq Bin Axmad7 uu ka soo qaxay dhulkiisii Xadramawd isaga oo ay weheliyaan 44 wali (kuwee?) ee hore loo soo xusay, ayna Maakhir ka soo degeen. Waa xeebta dabayshu u dhacdo ee dhereran Marsada Karam ilaa cirifka Gaardafuy. Magaalada Maydh ee u dhow Jasiiradda Guban ee wali xabaashiisu ku taal ayuu ku noqday aabbihii dhiig gobeedlay oo dhan iyo inta kaliya ee faracooda la hubo dhulka Soomaaliyeed. Magaadeen oo haweenay xor ah ahaydi waxay u dhashay Garxajis, Awal iyo Arab. Haweeneey ama haween addoomo ahaana waxay u dhaleen Jeclo, Sanbuur iyo Rambad. Sidaa darteed jilbaha waawayn ee Habar Garxajis iyo Habar Awal oo doorbidda ku abtirsashada habareed ee xoojinaya fir hooyo, maadaama marka loo eego dhab ka hadalkooda uusan midkoodna garanayn kan uu noqon karo abuullanki. Kuwaa ayaa kordhay oo ku farcamay kala guursi iyo tolaysi ilaa ay abbaarihii 1500 ay Gaalladii ay ka soo farcameen waa dambe ka saareen Berbera, dabadeedna si isa soo taraysa ugu durkeen ilaa ay buuralayda Harar dhufays adag dabada la galeen. Abtiris cawaaneedyadii (ab'ogaa) hore ee Soomaalidu wali taqaan waa Dir, Iiddoor, Daarood, iyo sida qaar qabaan, Hawiye. Dir iyo Iiddoor, oo iyaga aan xaqiiqo ahaan wax badan laga aqoon magac mooyee, waa kuwii ay ka soo

farcameen Soomaalida waqooyi ee qabiilooyinka Ciisaha, Gadaabursi, Isaaq iyo Bursuk.
Daarood Jabarti bin Ismaaciil bin Caqiil (ama Cuqayl) waxay u haystaan faraciisu in uu ahaa Carab sharfan oo Al-Xijaas ka yimid, ka dib markii lagu qabsay in uu dhulkiisii ka soo cararo dabadeedna ku qallibmay (doonni) xeebta waqqooyi-bari ee Afrika. Halkaas ayuu ku guursaday gabar qabiilka Hawiye ah. Dadyawga lidka ku ahi waxay ku sheegaan in uu ahaa addoon Gaalla ah oo la soo masaafuriyay laguna soo yiri 'innaa- dharad-naa-hu' (waa aannu cayrinnay). Wagaas ka dib magaciisu wuxuu ahaa Taaruud ama Daaruud, kii la soo cayrshay. Dhanka cilmiga is-rogrogga afafka marka loo eego, sheekadani waa mid dhab ahaan sheekaxariiro ku dhisan. Waxay qeexaysaa, si ay ahaataba, sida guud ahaan la wada rumaysanyahay ee ah in askumihii qabiilooyinka ku teedsan xeebta dabayladhaca bari oo hadda ku fidsan xeebaha Bandar Jadiid ilaa Raas Xaafuun, dhanka koofureedna ilaa Wabiyada gaara, in uu ahaa mid sinjigiisu silloonnaa. Ilmihii Daarood waxay hadda u qaybsamaan laba qaybood oo waawayn. 'Harti' waa magaca reerayawga Dhulbahante, Ogaadeen8, Warsangeli iyo Majeerteen. Kuwaa ayaa isku magacaaba ilma Harti Koobme Kablalax Daarood. Qabiilooyinka kale ee Daaroodka ah oo aan dalladdaas ku jirin waxaa ka mid ah Geri, Bartire, Marreexaan iyo Bah Habar Cali (Celi?).

Hawiyuhu iyagu shaki la'aan waxay ka soo jeedaan farac cawaaneed aad u horreeyay (ab'ogaa). Soomaalida iyaga ma ahee inteeda kale waxay ku magacaabaan Xashiya, sidaasna ku sheegtaan in ay qaranka intiisa kale u dhigmaan. Qaar waxay isku dayaan, sida badanaa dhacda, in ay farac karaamaysan abtirkooda la xiriiriyaan oo iska soo jeediyaan, sida Sheekhaasha oo kale oo Khaliif Abuu Bakar isku xiriiriya. Ab'ogaannimadooda iyo sidaa oo kale asal-cawaaneedkooda waxaa caddaynaya sida waagaan la joogo ay u kala firiqsanyihiin. Waa qabiil ku xoog badan dhulka Majeerteen oo haddana laga helo buuraha Harar. Haddaba, Soomaalida marka dhaqankooda iyo calaamadaha qaabdhismeedka jirkooda ka muuqda, caadooyinkooda iyo halka ay degaan loo eego, waxaa lagu qeexi karaa sinji iskujir ah iyo inay yihiin laan yar oo sinjiga Gaalla-wayn ka soo go'day aadna ay ugu dhowyihiin asal ahaan Masaaridii madmadoobayd, Qawqaasiyiin soogalooti ah iyo dhiig Aasiyaan saafi ah oo muddo si joogto ah isu soo tarayay.

Xagga muuqaalka qof ahaaneed, ma ahan jinsi ishu nacdo. Timaha madaxu waa adayg silig ah, marooqyo ad'adag oo rucubyo uga soo fooca madaxa. Waxay gaaraan dherer

dhexdhexaad ah oo in ay dhaafaanni dhif tahay oo hoos u raaraca, sida kuwa sinjiga West Indian-ka iskujirka ah. Odayaal, culimmada iyo maalqabeenno aan badnayn oo awooda ku raaxaysiga duubka uun ayaa madaxa xiirta. Sida guud ahaan ay u badantahay, tin walba waxaa lagu firaa shanlo ama firin irbad-daabac u eg oo qori ka samaysan, tuurkana waxaa loo ekaysiiya sida 'shuruf' ilmeed, buruko duqowday, tuur, buruko qunsuleed, ama burukadii hore ee gaarifaraslaha. Boqol siyood oo madaxa loo hagaajiyo ayaa jira. Badwiyiinta, kuwa ku bannaan 'sinji xayrlaha Afrikaanka' waxay sii daystaan raamo xayr qadhmuuni ka da'ayso, dadkooda kalana waxay ku eedeeyaan in aysan dad ba ahayn ee ay shimbiro ku bannaanyiin (kibirka). Waxa timaha oo dhab ahaan madow bulug xiga ah lagu midabeeyo waxaa laga sameeyaa malaas nuurad iyo biyo la isku daray ah ama ba marka oommanaha la joogo qoosh dambas ah. Sidaa ayaa timuhu ku noqdaan caddaan hurdi xiga, dabadeedna cillaan ayaa gaduud qumman loogu rogaa. Cillaanka ku-meel-gaarka ahi waa ciid dhiin ah oo biyo lagu riiqay. Burukada silloon ee Soomaalida oo harag idaad oo asal cas leh laga sameeyo aadna qaab cawaannimo ugu dhow sida tan Welsh-ku waa shay qalaad, sida ka muuqata. Dhif ayay igu ahayd in aan arko intaan dhulka hoose marayay, inskasta oo qabiilooyinka agagaarka buuralayda Harar degaa ay xidhaan koofiyad sunno cad ama madoow.
Madaxu waa dheeryahay ee ma goobaabna, guud ahaanna waa nooca lala dhaco. Si wacan ayuu garbaha ugu qotomaa, si Afrika iyo Caraabiyaba isla qabaan, aadna u liidan lahaa haddii aanay quruxda sunniyaha ahayn. Xagga afka, marka laga reebo goomanka foocsan waa wanaagsanyahay, qaabsamayska dhafoorka ayaana bila. Indhuhu waa waawayn si fiican u samaysan, xirribaha sarena waa qurux taxan oo suuro leh. Daanku waa soo baxsanyahay si aad ugu dhow oo aan laga aqoon qal wayni Afrikaan. Bushimaha waawayn ee jalladan ayaa waxay muujinayaan ku soo soocid Neegar. (Lafta) garku waxay u soo taagantahay si aan ku qummanayn xagasha wajiga. (Timaha) garku waa xoogaa teel teel ah, aad bayna u adagtahay sinnaba in la arko wax xataa u dhigma qaabka kan Carbeed u baxo. Sunniyaha dhaadheere dabacsan ee dadku jecelyahay halkan ku ma badna, shaaribbaduna waa khafiif gaagaaban, badanaa na waa laba miiq oo cilinno kor u qaansaysan ah. Afku waa qamuux, bushimuna waa adayg buurbuuran. Ilkuhu waa dhif in ay u soo foocaan sida Neegarrada, mase cuddoona oo caadaysiga calalinta tubaakada Surat ee adag ayaa daxaleeyay9. Cirridyadu waxay noqdaan madow baraashirix leh (cirridka ayaa midabo kala duwan yeesha, dhibaato tubaakadu u geysataty darteed), magaadka loo adeegsado taqsiintuna bushimaha ayuu midaka ka dilaa.

Qabiilooyinka dega degaannada kulaylaha ah jirkoodu waa simane aan xanaf lahayn oo madow dhalaalaya ah. Markii oogada loo sii baxana midadku waa sii furmayaa. Harar markii la gaaro guud ahaan midadku waa siddii bun caddays ah. Badwiyiintu waxay ka helaan in ay calaamado sarsar qaab daran ah korkooda ku xardhaan. Inta summadahaasi lale'gyihiinna waxaa u sahlaya dhumucda wayn ee maqaarka hoose. Raggu waa dhaadheeryihiin si u xallad xunyihiin. Mar qura uun ayaan arkay wax u dhigma doollowayni, taasoo qaabka qofka xarafka S u ekeysiisa. Hase ahaatee, garbuhu waa sarreeyaan, dhexdu waa toosantahay, bawdyuhu waa kala dhacsanyihiin, lafaha shanshadu hore ayay u soo yara godanyihiin, caguhuna sida gacmaha ayay qallafsanyihiin, ballaaranyihiin oo bacafsanyihiin. Haddana sida oo ay tahay, marka timahooda balka cawlkaa ah baal fudud oo babbanaya laga taago iyo midabkooda dhuxusha madow la moodo lagu mardaadiyo dharka kan u wacan, waa Toobka cad e nadiifka xalan ahe, dhab ahaan quruxda waa is buuxiyaan10.

Maskax ahaan Soomaalidu sida jirkoodaba waa caynad gooni ah. Waa dad aad u dhiillo nugul oo ay u wheliso iyagoo si aan caadi ahayn ay u adagtahay in la qanciyo. Carabta ma jecla, Turkida waa necebyihiin waana ka baqaan, Faranjiga argagax ayay ka qabaan, Aasiyaanka kale oo iyaga dhammaantoodba magaca "Hindi" u lehna waa yasaan. Kuwan dambe (Hindida) iyaga mar walba waxaa lagu caayaa fulaynimo iyo iyagoo mar walba doona in loo roonaado, taasoo ay ka kacday maansada jacburkan xiisaha leh ah ee soo socota:

Hindi wax ha weyddiisan
Illeen Hindi sakhi lagama helee
Haddii Hindiya sakhi laga helo
Alle Nabi buu ka soo saari lahaa.

Dhammaan dabeecadaha Neegarrada lagu yaqaanno way leeyihiin, sida ismaahinta iyo deggenaan la'aanta. Tabtii maskax fardanaanta Xabashida uu Gobat11 ku sheegayna mawqif joogto ah oo aan mawqif la'aanta lafteeda ahayn ma leh. Waa dad nugul, iska faraxsan oo caashaqi ah. Mar qura ayay uun xaalad caro ah u caynwareegaan iyada oo aanay wax muuqda oo ka caraysiiyay jirin, markaa oo ay awood u leeyihiin gaboodfalyo naxdin leh. Cadan marka ay joogaan waxay u muuqdaan in ay kaga farxad badanyihiin marka ay waddankooda joogaan. Halkaa waxa aan badanaa ku arki jiray nin kaligii ciyaar sacab tumanaya, sidii carruurta, si uu laablakac isaga neefiyo. Halkan waxay noqdaan sidii Maangoolka iyo xoolo dhaqatada kale, dad murugaysan oo saacado qar cidla' ah fadhin kara iyaga oo dayaxa dhawraya ama xaajooyin duugoobay geedaha hoostoda ku faallaynaya. Xaaladdan waxaa shaki la'aan sii taaba halista joogtada ah iyo nolosha aan qorshaha la fili karo lahayn, taa oo ku khasabta in ay ka fikiraan xaajooyin kale oo aan ahayn ciyaar iyo hees. Waxay u muuqataa in waxbarashada badani ay waasho. Sida Faqiihyada suufiyoobay ee Saxaaraha Waqooyiga Afrika, wadaadku guud ahaan u ma samaysna xaaladaha addunyadaan, xaafidka ama Qaari'una wuxuu ku siganayaa doqomoobid.

Xagga geesinnimada ka ma ay duwana guud ahaan dadyawga cawaanta ah. Lagu ma oga takrifalka lagu yaqaan dadka ilbaxda ah. Dagaalladadooda culculus meeshii labaatani ku dhimato waa u jab wayn, badanaana ilaa lixi markii ay ka dhimato ayay cagaha wax ka dayaan. Degmo dhan oo geesiyo ku faanaya in ay boqollaal dileen la tiicaysa ayaadan mid qura oo la dhaawacay ama la naafeeyay ka helayn, halka degmada Carbeed ragga barki ay ka muuqdaan haaro bir iyo rasaasi ku dhigeen.

Kooda ugu geesisani dagaal ma hollinayo haddii uu gaashaankiisa ka tago. Aragtiga libaaxa iyo qaraxaa rasaastaba qaylo argagax leh ayay ka qaadaan. Qoonkooda ama colalkooda geelqaadyada ah waxaan laga aqoon qaabka iyo taatikadaba tii Turenne12-kii waynaa loo daayay. Waa marka dagaalyahanka xeeladdiisa ugu sarraysaa ay tahay in uusan cadawgiisa ubucda u gelin13. Haddana sinnaba uga ma marna xariiftanka geessinnimada leh ee lagu yaqaan dadka cawaanta ah. Laba ama saddex ayaa mid hurda si geesinnimo leh u gawraca, marka si daran loo kiciyo dareenka carada qabiillada cadowga isu ah ee muddo dheer aanooyin dhiig dhex yaalleenna waranka iyo toorreeydaba si aan jixinjix lahayn ayay u adeegsadaan. Gumaadyadoodu waa wax laga argagaxo. Bishii Feebarwari ee 1847, laf yar, Cayaal Yoonis14, ayaa markii Berbera laga cayrshay waxay degeen waddada Buulaxaar, halkaa oo in yar oo ganacsato Hindi iyo Carab ahi la soo degeen15. Ragga waxaa caado u ahaa in ay degmada miyiga fog ah uga soo tagaan dumarkooda, carruurtooda, duqayda iyo kuwa jirran (maatibax), iyaguna ay xeebta ku faafaan si ay ganacsigooda u sii wataan. Maalin maalmaha ka mid ah, iyagoo sidaa iskaga shaqaysanaya wax halis ahna aan ka shaki qabin ayaa col Ciise ah oo 2,500 tiro la'egi degmadoodii weerar ku eekeeyay. Rag, dumar iyo carruurba si aan kala sooc lahayn ayaa waranka looga aslay. Dabadeed colkii tacaddiga geystay si nabadgelyo ah ayay tuulooyinkoodii ugu noqdeen iyaga oo bililiqo wehel leh ku raran. Waqtigan hadda la joogo, hal nin ah oo bastoolad wareegalay ku hubaysan ayaa waddanka oo dhan argagax gelin kara. Si ay ahaato se, waa ay iman doontaa maalinta buntukh kabriidluhu (ama Shucays)16 waranka ka sare mari doono, dabadeedna waranlahaa aan dhibka lahayni markii uu buurihiisa qararka ah dhex galo uu sida Carabta cadaw aan lagu dhicin noqon doono17.
Badwiyiinta intii aan dhex marayay waxaan kala kulmay dhimrin iyo martisoor wacan. Far iyo suul ama sacab tubaako ah ayaa ku filan in aad qof walba kasbato, dhowr yaardi oo bafto qallafsan ahna waxyaalahii aan doonaynay oo dhan ayaan ku helnay. Sidii canug yar ayaa la ii koolkooliyay, in aan caano dhamo oo hilib idaad cuno ayaa la igu qasbay, gabdho la ii guuriyana waa la iigu yaboohay. Dadku waxay igu baryeen in aan iyaga dhex dego, colalkooda geelalqaadyada ah hoggaamiyo iyo in aan libaaxyada ka xoreeyo maroodiyadana ka laayo. Marar badan ayaa rag waxuu si beerlaxawsi leh iigu yiri "maxaa kugu keenay adiga oo sidaan u nugul in aad dhaxantan waylaalis nagu la fadhiisato geed hoosti"? Dabcan waxay ahaayeen tuugsadeyaal, amiirro iyo cayr, hantiileyaal iyo suufiyo, dhammaan kuwo nasiib darro ka siman. Carabtu waxay u bixiyeen Bilaad Wax Isii "Carrigii Wax i Sii", hase ahaatee baahidooda si sahlan ayaa loo dabooli karay, gacanta furanina mar walba saaxiib ayay kasbataa.
Soomaalidu guud ahaan waxay haystaan Dariiqada Shaaficiyada ee Islaamka. Duwanaantooda ugu waynina waa iyaga oo aan maydka ku dul ducayn (tukan)18 xataa magaalooyinka. Xafladda guurku waa mid sahlan, yaradka (ama meherka) iyo waliimadaba si fudud ayaa loo agaasimaa, nikaaxana waxaa xira wadaad ama xaaji.

Marar badan ayaa la iga codsaday in aan xafladahaas qumiyo. Yawmul Qiyaame isagu marar fuliyay arrimahaa, isagoo Faataxo uun aan khushuuc lahayn lammaanaha faraxsan ku dul akhriyay.

Soomaalidu, sida badanaa dadyawga kala duwan ee Islaamku isku xiray lagu yaqaan, waxay leeyihiin ciraanaysyo kala duwan oo ka markhaati kacaya asalkooda diin la'aanta ka soo jeeda. Tusaale ahaan, ku dhaarashadooda dhagaxyada, sida ay u wayneeyaan daharrada19 iyo geedaha barakaysan, iyo xukunnada ay dabka iyo biyaha ka rumeysanyihiin. Waa tabtii Bulungada Galbeedka Afrika. Ninka lagu eedeeyo dil ama xatooyo dhufays waran dhererki jeeda oo dhimbilo dab ahi ka buuxaan ayuu dhex maraa, ama cuddadda tumaalka biraha oo casaatay ayuu dab ololaya gacanta kaga soo bixiyaa. Qaar waxay door bidaan in ay afar ama shan aleelood ka soo bixiyaan weel wayn oo biyo kululi ka buuxaan. Addinka la adeegsaday mar qura ayaa calool idaad lagu duubaa, dabadeedna maalin dhan baa loo daayaa. Waxay leeyihiin faaliyeyaal dhaqameed Taawuli lagu magacaabo, sida marka ay ragga Greegree20-ga Galbeedka Afrika xaydha iyo lafaha lo'da la qalay ka faaliyaan "daawada fasha." Waxaa laga saadaaliya, roob, dagaallo iyo cuduro xoolaha ku dhaca. Dadka waxan ka shaqeeya oo lab iyo dheddigba leh ma tukadaan mana maydhaan. Sidaa awgeed, mar walba inay najaaso yihiin ayaa loo ogyahay, taa oo looga baqo dadkuna si wayn ugu qaddariyo. Saadaalintoodaa khuraafaad fool xun ayay ku wariyaan, iyagoo badanaa xoojin u cuskada afka wali karaamaysan oo mar hore dhintay. Inta lagu guda jiro saddexda bilood ee Rajalo21 la yiraahdo, Quraanka qabuuraha lagu ma dul akhriyo, wax guursi ahina ma dhacaan. Sababta u goonida ah ayay sheegaan in ay tahay ku dayasho awowgood Isxaaq oo marka xilligan lagu guda jiro aan dadka isu guurin jirin. Si ay ahaataba, waa ka markhaatikac waxyaalo ka haray ciraanaysigii cawaanta ee saadaasha bilaha san iyo kuwa aan ayaanka lahayn. Sida awgeed, bisha Sabbuux22 qaalmo geel ayay sadqeeyaan oo waliimooyin iyo Dabshidka23 Maalinta Sannadka Cusub ayay barakaystaan. Dadka dhinta waqtiyo cayiman, sida marka dayaxu Laxaha24 la dego oo aan ayaan lahayn, inta dermo lagu duubo ayaa geed dushi la saaraa. Fikradda ka dambaysaa waa in haddii la xabaalo uu qabiilada khasaare soo gaarayo. In kasta oo ay ciraanaysiga rumaysanyihiin, Soomaalidu cunsuriyiin u ma aha sida Carabta, marka laga reebo kuwa cilmikororsiga u doonta Yemen iyo Xijaas dabadeedna cilladda halkaa ka soo qaada. Waa Muslim-ku-sheegyo Islaannimadu aanay ku dheerayn, in ay dad kale ku dirqiyaanna aan dan badan ka lahayn.

Af Soomaaligu hadda waa ka gudbay waqtigii aan Yurub laga aqoon. Waa wax lala yaabo in af aan xarfo la qoro lahayn ay sidaa uga buuxaan gabay iyo aftahannimo. Waxaa jira kumannaan heesood, kuwo degaan (maxalli) ah iyo kuwo guud ahaaneedba, arrin walba oo maskaxda ku soo dhacdana ku saabsan, sida rarida awrta, shubidda ceelka iyo ugaarsiga maroodiga. Nin walba oo bartay wuxuu yaqaan in kuwaa ka mid ah. Habdhacu ma cuddoona, taa oo ay ugu wacantahay in guud ahaan uu ka kaco alanka "ay" (oo loogu dhawaaqo sida eraygayaga "hay"), kaa oo tixda ka dhiga cod hal nud ku socda. Hase ahaatee, iyada oo xarafraac iska roon oo joogto ah iyo luuq lagu xoojinayo ayaadan marna ugu qaldamayn tiraab ahaan, xataa haddii hooriska mar walba la socda laga reebo. Dhulkan waxaa maasheeyay gabay yahanno, gabay xumeyaal iyo deelqaafle, intaba. Nin walbaa meel la yaqaan oo sidii jaraa'idyo qarni soo baxayay lagu falanqeeyay si qumman u qeexan ayuu ku leeyahay heerarka aqoonsiga aftahannimada. Dhagafududaanta25 dadkani waxa ay u sahashaa in ay aad ula dhacaan codadka wanwanaagsan iyo af maalidda, taa oo marka ay hadal aan sugaanaysnayn ama deelqaaf maqlaan aad uga caraysiisa. Sida curisyadaa badankoodu ay ugu dhisanyihiin sarbeeb sare awgeed, Carabtii sannado badan Soomaalida dhex degganaydi ma garan karaan, in kasta oo ay hadalka caadiga ah si fiican u yaqaannaan. Ugaas walba oo dhulkan joogaa waa in uu leeyahay gabay-ammaan beeshiisu u tiriso, ninka madaxda ah ee waynina waa in uu murti ka ag dhowaada oo gabyaa golaha fariisistaa. Murtida caashaqa dumarka ku saabsan waa midda la door bido, mararka qaarkoodna si silsilad doodwadaag ah ayay u dhacdaa. Sida na loo sheegay, waa Riwaayad qaabkeeda ugu sahlan. Badanaa waxa laga hadlaa waa hawlo reer-guuraa. Ninka wax jeceli, tusaale ahaan, gabadha uu jecelyahay wuxuu ugu baaqaa in ay ceelka Lahelo u wada lugeeyaan, waa Arcadiayada26 dhulkane. Lugaheeda wuxuu ku matalaa sidii laamaha dhaadheer ee geedka Labiga, cay xunna madaxeeduu ka shubaa haddii ay ka diiddo in ay la wadaagto caanaha hashiisa uu jecelyahay. Waxaa jira xoogaa curisyo anshaxa ku saabsan oo aad loo tixgeliyo ah, kuwaa oo aabbuhu wiilkiisa ku harqiyo xikmadda qaaliga ah ee waano Soomaaliyeedka wanaagsan. Dhererkooda iyo caajiskoodu waa sida tii Mentor u mariyay wiilkii aan dirica ahayn ee

Ulysses27 ahaa. Mararka qaarkood Tyrtaeus28 madow ayaa wuxuu ka wareegayaa calaacal waalan oo geesiyo ama dhul la waayay ku saabsan. Digasho canaan ah oo uu tolka fulaynimo ku eedaynayo ayuu dabada u qabanayaa, isaga oo xasuusinaya kuna boorrinaya in geesiyadaa iyaga ka wanwanaagsanaa aanu dhinacoodu qabriga dhiiggu qolaysanyahay qabanaynin ilaa loo aargudo oo kuwa guusha ku raynraynaya birta laga aslo.
Haddana, gacaliye L(umsdenoow), waxaan isku dayi doonaa in aan kaa haqabtiro kuursigaaga ku saabsan xagga arrimaha jinsiga (gender) ee Bariga Afrika. Marwada Soomaaliyeed waxaa muuqaalka kore lagaga soocaa gashaantida maskan shabaq buluuga ah oo suuf ka samaysan, taa oo timaha iyo madaxa daboosha oo ilaa jeegada u rogan. Gashaantiyuhu timaha way sii daystaan, dhexda ayay ka kala badhaan, fayraqyo tidic dhuudhuuban oo adadagna waa ay ka lulaan. Xafladaha qaarxood ubaxyo ayay ku marmaraan, mararka qaarkoodna malaas gaduudan ayay madaxa ku dhabooqdaan, sidii dumarka Kaafirta. Taaloogashadani waxay u bannaantahay mid asli ah. Qaabado qara waawayn oo dililndillaysan, dhalooyin waawayn oo balballaaran, indho jeexyo dhaadheer oo waawayn, wajiyo balballaaran, (laf) gar culus, midab maarriin rasan ah iyo wajiyadooda goobaabaniba waxay aad ugu egyihiin quruxihii dhagaxa laga qoray ee Masar. Waa moodooyinkii dhulalkii hore ee Beershiya, Giriig iyo Ruum oo qaabkoodii beddelay dubkana caddeeyay. Qurux aahaan waxay la dhigyihiin doollowaynidii Venus Kallipyga29. Qaabdhismeedka jireed ee noocan ahi aad ayuu dhif ugu yahay gabdhaha yaryar. Laakiin marka ay da'da ugu horreysa dhalaan qofka ku cusub waa iska gartaa isbeddelka. Carabta halkaa kuma ayan seegin in ay maad ka dhigtaan. Yamani maadaynayaa wuxuu ku heesay:

Cajiibsanaa simahaaga buurbuurani
Sidii bariis la karshay ama sibraar la afuufay!

Somaalidu iyagoo u jawaabaya deriskooda (Carabta) ayay simahooda caatada ah ku sheegaan sidii lullumo ama rah dhal ah. Mid ka mid ah dabeecadahooda gaarka ah ee soo jiidashada leh waa cod deggan oo nuunaas hoose ah oo ay ka wataan firkoodii Afrikaanka ahaa. Tani waa mid mar walba dumarka bisha, halkanna soo jiidasho dheeraad ah ayayba huwantahay. Aalaaba saacado ayaan soo jeedi jiray, anigoo dhegaysanaya gabdhaha Badawida ah codadkooda oo dhegahayga muusig mooyee aan hadal caadi ah u ahayn.

Dumarka soomaaliyeed xagga xoogganaanta muruqa iyo adkaysiga ragga aad ayay uga sitaan. Marka guriga la joogo maalintii oo dhan waxay ku hawllanyihiin reerka iyo raacidda xoolaha, marka la guurana hawlahooda is dul saaran waxaa ka mid ah in ay awrta raraan oo furaan, dayactirka xargaha ama samayntooda haddii loo baahdo, in ay aqalka dhisaan, biyaha soo dhaanshaan, xaabadana soo guraan iyo in ay cunnada kariyaan.

Rag iyo dumarba dabeecaddoodu waa xakamaysantahay, danta oo badday awgeed. Miidda, khamribadarka Xabashida iyo Danaakilada caadiga u ahi gebi ahaanba Somaalida miyigu ma yaqaannaan. Mooraalkooda marka la eego, waa ka xumahay in aan iraahdo socdaaluhu ugu tegi mayo heer dahabi ah, sida in uu fisho ay farayaan madahabta Balwad-ka-caagganuhu. Dalmarid badan dabadeed, waxaan qarka u saarannahay in aannu rumaynno in mooraalku uu dhulka la joogto ka tarjumo, in qaruumaha iyo dadyawgu ay sida shakhsiyaadkaba balwad uun u gaar ah leeyihiin, iyo in balwaddii la xakamayeeyaba mid kale ay kiciso. Sida caadada guud ah, dumarka soomaaliyeed gaabsiga ayay doorbidaan, waa ku dayasho maahmaahda Carbeed ee la wada yaqaan "kan cusub baa isha buuxsha." Xaaladaha fadeexaduhu dhacaan, qabiilka haweenayda ayaa sharafridka ninka ka cad goosta. Haddii haweeney la qabo ay nin la baxsato, kii qabayna sidaa ku furo, wax kale loo ma raacdo. Hase ahaatee sharafteeda ayay ka jeebantahay, dumarka saaxiibbadeed ahna uma jixinjixaan. Guud ahaan dumarka Soomaalidu waa debci qabowyihiin, taa oo ka dhalata iska yeelyeel ama sababo dabiici ah. Sida Kaafirta oo kale ayay aad u dhalmo badanyihiin, laakiin waa hooyooyin xunxun oo carruurtoodu aanay jeclayn aanayna qaddarin. Dumarka Bariga Afrika waa ka cimri dheeryihiin kuwa Hindiya ama Carabiya. Hase yeeshee, marka ay 30 jir gaaraan quruxdoodii ku daysay, marka gabowgu haleelana ka ma badbaadaan sirqanimada foosha xun ee reer Bariga30.

Soomaalidu haddii ay awoodaan waxay ku guursadaan 15 ilaa 20 jir inta u dhaxaysa. Kala guursiga qabiilooyinku waa wax iska jira, ninka qabiil uusan u dhalan ka guursadana wuu ka badbaadaa aanada qabiilooyinka. Si ay ahaataba se, ragga dhaladka ahi waa ay diidaan in ay ka guursadaan kuwooda gunta ah. Dhaqanka Carabta waxay kaga duwanyihiin in uusan midkoodna guursan ilme adeer. Isla mar ahaantaa se, nin ayaa gabadhiisa u guurinaya adeerki walaalkina xaaskiisa dumaalayaa, sida Yuhuudda iyo Gaalladu (Oromada) yeelaan. Jilbaha qaarkood, tusaale ahaan Habar Yoonis, waa ay diidaan haweenayda ay isku lafta yihiin ama ba ay aadka isugu dhowyihiin. Tani waxay aad ugu dhawdahay in ay tahay arrin siyaasadeed, si jirintaanka qawmiyadeed loo dhawro, cadowga guudna dhinac looga soo wada jeesto. Haweenayda la guursanayo badanaaba xaggan Bariga waa dhif in lala tashado, hase ahaatee hadallo fool-ka-fool la isu dhaafsado marka ceelasha ama duurka xoolaha lala joogo ayaa lagu turxaan bixiyaa. Gabadha qaraabadeeda ayaa gooya qaybta xoolaha guurka, taa oo ah inta u dhaxaysa maro iyo kuul kaliya ilaa 50 neef oo ido ah ama 30 Doollar. Magaalooyinka guurka waxaa loogu dabbaaldegaa casuumad iyo muusig. Ugu horrayn ba markii aqalkii arooska la galo ninka arooska ahi jeedalkiisa fardaha ayuu la soo baxaa oo daliigo aan la illoobi karin la dhacaa aroosaddiisa, isaga oo uga jeeda in uu wixii madaxtaag iyo ganuunuc ah ee ku yara dambeeya uga xasiliyo31. Tani waxay ka dhigantahay maahmaahdii Carbeed "soo qabashadeeda addoon, gurigaynteeda oori." Muddo todobaad ah ayuu ninku xaaskiisa la joogaa aqalkana dibadda aanu uga baxayn, marar dhif ah mooyee. Saaxiibbadi fagaag ayay siiyaan, wax aan col duullaan ah ama macaash la helayo ahaynna loogu ma soo galo. Haddii dhawrsanaanta haweenayda laga shakiyo, subaxda habeenka arooska ka dambaysa ayuu ninku kaadka aqalkiisa god ka qodaa, dabadeedna derin ku hadoodilaa ama go'iisa ayuu faraqa jeexaa, ama rarada cusub ee aqalka ayuu meel ka dalooliyaa. Tani waxay sharafdhac ku tahay reerka marwadu ka dhalatay. Minyaraysigu waa laga ma maarmaan carri ay carruurtu ka tahay raasamaal32. Beeldaajiyeyaashu isla marka ay ninnnimo gaaraan ba afar ayay guursadaan. Waxay furaan tan duqowda ama madhalaysta ah oo sida Kaafirta oo kale kuwo badan oo khudbasiro ah yeeshaan, gaar ahaan marka wiilal badani le'daan.

Gabdhuhu, sida waddamada Ooryantaalka33 lagu yaqaan, ku ma tirsana reerka. Hase yeeshee, aabbaha ayaa ku takrifala kuna wareejiya kii maal iyo mansab u kordhin kara. Furitaanku si xad-dhaaf ah ayuu u baahsanyahay, maaddaama ay raggu caro degdeg ah oo foolxun u nugulyihiin. Inamaha kaliya ayaa guurkooda xaflad wayn lagu maamusaa carrigan.Waxaan maqlay nin guur u golefadhiistay saacad badhkeed uun ka dib markii ay gabadh is barteen iyadana ay jawaabteedu guud ahaan ku saabsanayd 'guri i gee'. Ragga duqayda ahi joogto ayay gabdho yaryar u guursadaan, laakiin yaradkoodu waa badanyahay gacansaddexayntuna34 waa ku baahsantahay.
Soomaalidu waxba ka ma yaqaannaan ka badbadinta fikradaha xarfaannimada Badwida Carabta iyo dadka ilbaxda ah ee caashaqa ka dhigta dareen xadanto leh, waligayna ma aanan maqal Afrikaan ka saahiday waranka iyo galmada haween si uu Darwiish u nodqo. Si ay ahaataba se, "Hudhudhu"-doodu waxay socotada xusuusinaysaa "Indho caashaqa" Xabashida, ama "Namzad-bazi" Afgaaniyiinta iyo"Ishkuzri" Saamiyiinta. Waa kuwaa aan ku tilmaanno "Jacaylkii Plato35", eraybixin dhaanta oo aannu ku sheegno la'aanteed. Hase ahaatee, kulanka ragga iyo dumarka Afrika ehelada ragga ah ayaa oggolaada, meesha Carabiya iyo Aasiyada Dhexe ay aad uga soo hor jeedaan. Waa la yaabe, gebi ahaan carriga Soomaaliyeed dhunkashada sideeda ba laga ma yaqaan. Carruurta hooyooyinkood ayaa dhabarka ku xambaara ama dhulka ayay iska delidhacleeyaan labada sano ee ugu horreysa. Toddoba ama siddeed marka ay jiraan ayaa la gudaa oo waran yar la siiyaa, iyaga oo qaaqaawanna meelaha orordaan ilaa ay ka qaangaaraan. Sheekaysi ayay wax ku bartaan ee buugaag wax kama bartaan. Sida ay u tuugsi, amaahasho iyo xatooyo badanyihiin ayay na u conno badanyihiin. Caafimaad iyo jir xooggan ayay ku koraan, si fiicanna waa u lixaad wanaagsanadaan, sida sinjigooda lagu yaqaan. Sida guud ahaan Islaamku qabo, ayaa carriganna qofku uusan dardaarmi karin36. Qofka dhinta hantidiisa ilmahiisa ayaa qaybsada, gabadhuna qayb yar ayay ku leeyihiin, waa ba haddii ay wax ka helaan e. Marka ninku uusan waraso ka tegin, xoolihiisa iyo haweenkiisaba ragga xigto ahaan ugu dhaw ayaa faraha ku dhiga. Mid ka mid ah ayaa badanaa haweenta laga dhintay guursada ama reeraheedii ayaa loo diraa. Haweenka laga dhintaa xeer ahaan waxba dhaxal ah ma leh.
Gacaliye L(umsdenoow) waxaad adba arki lahayd in dadka reer Zaylac aanay sinnaba waxsoosaar lahayn. Miyiga ayay nolol ahaan ku tiirsanyihiin. Bedwigu reer magaalaha ayuu martiyaa, wuxuuna ku leeyahay xoogaa tubaako ah, xooga kuulo ah, iyo go' suuf qallafsan ah. Ama, mararka aad loogu gacan furanyahay muraayad sentiyo joogta iyo makiinad Jarmal rakhiis ah oo looga beddesho addoomihiisa, fool marrodigiisa, hargihiisa, xabkihiisa, caanihiisa iyo badarkiisaba. Wixii carqaladeeya heshiiska ganacsi ciqaab adag ayuu badhasaabka ka mutaystaa, waxa kaliya ee baabi'in karaana waa dhaar saddex dalqadood ah (xiladalaaq). Haa oo reer miyiga si naxariis darro ah ayaa loo khiyaanaa, walaalahooda reer magaalka ahina nolol ay xoolaha meel ay kala dhigaan la'yihiin ayay ku noolyihiin. Quraacda dabadeed ayay ragga magaaladu guryahooda shaqo ka aadaan, taasoo macnaheedu yahay sheekaysi, booqasho, tamashlayn waddooyinka iyo masaajidda. Qado iyo duhurseexad ayay u soo noqdaan, dabadeedna waa baxaaan, dibna u ma soo noqdaan ilaa hoyaadka. Jimcadu mar walba waa maalin nasasho, dabbaaldegyadu waa joogto wax shaqo ahna loo ma kaco maalmaha aroosyada iyo tacsiyadaha. Dumarku waaberiga dabadi ayay bilaabaan dermo falkin iyo kormeeridda addoomo guriga biyo ku rusheeya, badarkii quraacda laga dhigi lahaa tuma, cunnada kariya oo qoryaha dabka lagu shito jajabiya. Si ay ahaataba, haddii aad isu fiiriso inta waqti qosol iyo sheeko ay ka qaataan, waxaa kuu soo baxaya in shaqada la qabtaa ay aad uga yartahay cayaarta. Meelahan yaryar aad ayay u fududahay in loo kuurgalo qaabka dawladdu u hawlgasho, taa oo u dhiganta tii Delhi, Dahraan iyo Istanbuul.

Barasaabku magaalada wuxuu ka kiraystay Dawladda Turkiga, sidii uu doono ayuuna u maammuli karaa inta uu kiradana waqtigeeda ka dhiibayo Baashaha Mukha fadhiyana uu hadiyado iyo laaluush u laabayo. Dambiyada yaryar ee xatooyada, murannada iyo hantigubidda ganaax, ulayn, geed ku xirid (tigtigid)37, ama in Cariish lagu xabbiso ayuu ku xukumaa. Tan dambe waa ciqaab daran, maxaa yeelay maxbuusku waa in uu isagu cunnadiisa keensadaa xabsiga. Marka dil dhaco, Mukha ayuu xaaladda u gudbiyaa ama Qisaas ayuu ku fuliyaa, isaga oo gacankudhiiglaha u dhiiba ehalada qofkii la dilay. Qaaddigu wuxuu fuliyaa Shareecada ama sharciga diinta. Hase ahaatee, ku ma uu dhawaaqi karo xukun ogolaanshaha Barasaabka la'aantiis, awooddiisuna waxay guud ahaan ku simantahay xukunnada furriinka, nafaqada, xoraynta, jaraaxada iyo waxyaalaha la midka ah ee xukunka Qur'aanka soo gala. Sidaa ayuu xukunka diintu wuxuu labeeyaa lidna ku yahay xukunka "Al-Jabri" (macangagga) oo ah waxa dadku ay u bixiyeen waxa aynnu niraahno Sharciga Madaniga ah. Sidaa oo ay tahay ayay Al-Jabriga guud ahaan door bidaan kuwa adduunyada daneeyaa. Barasaabku xoogaagiisa laaluushka ah ayuu iska laabtaa, Qaaddigase loolama hawoodo. Kan hore waxaa dhacda in uu ku sii daayo adiga oo fayow, kan dambe se waa hubaal in uusan ku cafinayn. Tani waxaan rumaysanahay in ay ku yuururto sooyaalka laga hayo xukunka diiniga ah dunida badankeeda.

La soco cutubka 5aad ee xiga.

Mahadsanidin.

  1. Georges Cuvier (1769 - 1832) wuxuu ahaa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga dabiiciga ah ee dadka iyo noolaha kale ba. Qoraalladiisa hirgalay waxaa ka mid ah buuggiisii Le Règne Animal (Boqortooyada Xayawaanka). - Tarjume
  2. Kaafir waa magac Carabi ka soo jeeda oo gumeystayaashii, siiba Ingiriisku, ula baxeen dadka Afrikaanka ah ee aan diimaha la yaqaan haysan (cawaan). - Tarjume
  3. Xabashida ab'ogaaga ah ayaa waxay sheegtaan in ay ka soo jeedaan firkii ay iska dhaleen Nabi Sulaymaan (n.k.) iyo Boqoraddii Saba ee carriga Yamaneed mar ka talin jirtay. Suurad dhan oo Qur'aanka Barakaysan ka mid ah ayaa ku magacaaban Saba. Sheegashadaa Xabashidu waa ku dhegganyihiin, ma se cadda sida ay dhab u tahay taariikh ahaan. Waa sida Soomaali badani ba ugu dheggentahay in ay fir Carab karaamaysan ka soo jeeda ka soo arooreen se aan la caddayn karin sida taasi dhabta u tahay. - Tarjume
  4. Sheegashadaan Xabashida laga wariyay waa taariikh qalloocin nacayb ku salaysan, sida taariikho badan oo qorani sheegayaan. - Tarjume
  5. Dhagaxii Cadmeed waxaa lagu waday in uu sheego "Berberiyiinta" oo ah in ay noqdaan Gaalla ka soo jeedda agagaarka Berbera. Weli shaki ayaa ka jira fasiraadda [wixii dhagaxa ku qornaa]: Rev. Mr. Foster iyo Dr. Bird ayaa qaba kala duwanaanta ugu wayn. – Rev. Mr. Foster wuxuu ku fasiray: "Waxa aannu ku weerarnay qaylo nacayb leh iyo caro daran Xabashidii iyo Berberiyiintii". "Hore ayaannu annaga oo faras ku joogna caro uga hor tagnay dadkan qarmuunka ah". – Dr. Bird wuxuu ku fasiray: "Isagu, filosoofarkii Siiriyaanka ahaa ee Abadan [Iiraan], Wadaadkii kaniisadda Raaska Cadmeed ee waxaan saxaaraha ku qoray, wuxuu u ducaynayaa macbadka diinta". - Burton, endnotes.
  6. Generaal Roomaan ahaan oo hoggaaminayay ciidankii soo galay Galbeedka Afrika ee Carthage (Tuuniisiya) qabsaday. Hanibal ayuu ku jabiyay goobtii Zama (waqooyiga Tuuniisiya), dagaalkii Punic Labaad, markii ay taariikhdu ku beegnayd sanadii 202 C.H. - Tarjume
  7. Sida dad kale ay qabaan, Ina Cabdullaahi ayuu ahaa. Abtirsiinyihii qornaa ee Soomaalida waxaa la sheegay in ay xadeen Shariifyada Yamaneed oo ka baqay in ay dad cawaan ah uga dhex tagaan dukumiinti caddaynaya gobnimada walcankooda. - Burton
  8. Ogaadeen Harti k ka ma tirsana. Labadu waxay haybta isugu tagaan laanta Kablalax Daarood. - Tarjume
  9. Soomaali tiro yar ayaa sigaarka cabta marka reer magaalka laga saaro. Hase ahaatee, dhammaan tubaakada ayay cunaan. - Burton
  10. Farqiga u dhaxeeya midabka yusurka madow ah iyo marada baylka cad ah iyo sida ay qurux ahaan isu buuxiyaan. - Tarjume
  11. Samuel Gobat, wadaad Kootaliga Roomaanka ahaa oo safar ku kala bixiyay Xabasha sannadihii 1830-meeyadii. Wuxuu qoray 1850 buug la yiraahdo Journal of Three Years Residence in Abyssinia. New York, Dodd. - Gordon Waterfield – Tarjume
  12. Henry: Marshaalkii Faransiiska. Wuxuu ka soo jeeda degmo Turrene la yiraahdo oo ka tirsan gobolka Limousine. Isaga ayaa lagu naynaasi jiray "Turrenekii waynaa". - Tarjume
  13. "Burton fikrad aad u liidata ayuu Soomaalida naga siiyay, laakiin waa in la ogaadaa in ogaantiisu aysan yarayn oo kaliya ee ay gebi ahaan ku koobanayd qabiilooyinka waqooyi oo kaliya, kuwaa oo sida ay u muuqato dalmareennada badankoodu isku raaceen in aan si qumman loo barbar dhigi karin Isaaqa iyo Daaroodka. Qabiilooyinkani, sida Ciisaha oo kale, rag aan waxba galabsan iska ma dilaan si guur ugu bannaanaado [dhaqan ah in ninka guurdoonka ahi uu nin soo dilo marka hore]", ayuu ku qoray Ralph Drake-Brockman buuggiisii (Somaliland, Hurst and Blackett, 1912). - Gordon Waterfield's backnotes
  14. Yoonis Nuux (Sacad Muuse - Habar Awal). - Tarjume
  15. Reer Yoonis Nuux iyo Axmed Nuux ayaa ku loollami jiray dakhliga macaashka badan ee Berbera, halkaas oo kolba qolo gacanta ku hayn jirtay. Ha se yeeshee, waxa dhacday in qolada hore lagaga gacan sarreeyay oo laga saaray Berbera, iyaga oo kuwa hore gacan ka heleen Xaaji Sharma'arke. - Burton - Tarjume
  16. Buntukh waayadaa la adeegsan jiray oo marka la ridayo inta baaruud lagu shubo dabadeed kabriid (tarraq) lagu qabto. - Tarjume
  17. Saadaashiisani waa rumowday oo waa tii Daraawiishtii Sayid Muxammad Cabdille Xassan hoggaaminayay gumaysigii Ingiriiska laf dhuun gashay ku noqdeen muddo 20 sannadood ah. - Tarjume
  18. Waa wax aan dhab u muuqan tani, maxaa yeelay dariiqada Shaaficyadu sidaa ma qabto. Maydka waa lagu tukadaa ama lagu dul duceeyaa (?) -Tarjume
  19. Taallooyinka ama dhismeyaasha qabriyada laga dul dhiso. - Tarjume
  20. Dad gooni ah oo looga dambeeyo faalka iyo xirsiyo goynta [Grigri = xirsi ama makaraan]. - Tarjume
  21. Bilaha Rajalo waxay kala yihiin Rajal Hore, Rajal Dhexe iyo Rajal Dambe. - Tarjume
  22. Sabbuux waa magac kale oo ay leedahay bisha Rajalaha ugu dambaysa ee Rajal Dambe. - Tarjume
  23. Dabshid ama Nawruus waa dabbaaldeg sannadka cusub bilowgiisa la qabto oo la sheego in uu ka soo jeedo Beershiyadii hore. -Tarjume
  24. Urur xiddigo ah oo xilliyo habeennada qaarkood si fudud loo arko. -Tarjume
  25. Waxaa caddaynaya sida ay dhegkamaqal iyo xusuus uun ugu bartaan luqadaha Galbeed iyo kuwa Bari. - Burton
  26. Arcadia (Aarkeediya) waa carri miyi qurux badan oo barwaaqo ah leh, gobolka Poloponnesus ee koofurta dalka Giriigga ayuu ku yaal. Tripolis ayaa magaalamadax u ah - Tarjume
  27. Waa Odysseus, waxaa lagu sheegaa in uu ahaa boqorkii Ithaca ee Giriiggii hore. Waa hogaamiyihii guushu ku raacday halgalkii tobanka sano socday ee Dagaalkii Trojan loo yaqaan. Mentor wuxuu u ahaa la taliye aad ugu dhow oo uu ku kalsoonaa iyo macallinkii wiilkiisa Telemachus. - Tarjume
  28. Tyrtaeus wuxuu ahaa gabayaa Giriiggii hore ahaa oo ku caan baxay guubaabada goobaha dagaalka. Goobihii labada ahaa ee Sparta iyo Messenia dhex maray (Messianic Wars) tooda dambe ayuu ka tiriyay gubaabo dhiigga dhaqaajisay (Sparta ayaa u yeeratay). - Tarjume
  29. Taallo Giriiggii hore caan ka ahayd waxyaalihii ay caabudi jireenna ka mid ahayd oo qof dumar ah suuraddi lahayd. Venus ayaa la oran jiray, doollo waawaynna waa lagu yiqiin. Waxaa kale oo dhici karta inuu ula jeeday haweenay iyaduna aad u doollo waawaynayd oo Koofur Afrika laga soo qafaashay bartamihii 1850meeyadii dabadeedna Yurub sidii duurjoogtii lagu daawan jiray. Hotentot Venus ayay ula baxeen, inkasta oo aanu magaceeda runta ah ahayn. Markii ay dhimatay la ma aasin ee waxaa la dhigay madxaf, halkaa oo ay ku jirtay ilaa Nelson Mandella uu madaxwayne ka noqday Koofur Afrika. Dabadeed dawladdiisii ayaa dalbatay in wixii ka haray maydka haweentaa la ba'saday dib loogu soo celiyo waddankeedii hooyo. Dib ayaa loogu soo celiyay dhulkeedii, halkaas oo si sharaf leh oo ilaa heer qaran gaarsiisan loogu aasay. - Tarjume
  30. Bariga waxaa laga wadaa wixii aan dunida reer Galbeed ahayn, sida Asia, Caraabiya iyo Afrika. - Tarjume
  31. Waxaa sidaa oo kale loo sheegay in reer Mooskowgii hore ay mar walba noloshooda guurka ku bilaabi jireen jeedlid qumman. - Burton
  32. Minyaraysi ku la ma taliyeen dadyawga ilbaxnimadoodu sarrayso oo labka iyo dheddigu sinnaantoodu ay aad isugu dhowdahay, dhashuna ayan arrin wayn ka ahayn. Markiiba hal xaas guursigu waa koritaanka ilbaxnimada. Xaasas badnaantu waa arrin dabeecad u ah dhulalka dadku ku yaryahay ee kan reerka ugu ballaaran lehi yahay kan ugu macaashka badan dadkiisa. - Burton
  33. Oriental waa magac guud ahaan reer Galbeedku dunida kale u yaqaan, gaar ahaan Asiya iyo Caraabiya. - Tarjume
  34. Gogoldhaaf laba nini ay haweenay isu daba maraan ama laba haween ahi ay nin isu daba maraan (sir iyo saaq labadaba). - Tarjume
  35. Plato wuxuu ahaa macallin, Faylasoof iyo qoraa caan ahaa oo Giriiggii hore aad looga yiqiin. Platonic Love waa fikrad ku dhisan jacayl adag oo aan xagga jinsiga ku salaysnayn ee dadka caadiga ah ka dhexeeya. Waxaa kale oo uu noqon kara jacayl aan la isla wadin oo qofka la jecelyahay aanu war u hayn. - Tarjume
  36. Tani waxay caddaynaysaa sida Burton uu bowsi fiican uga haystay Diinta Islaamka, in kasta oo uu wax badan isku khaldayo. - Tarjume
  37. Geed jirrid culus ayaa daloollo loogu talo galay qofka dambiilaha ah gacmaha iyo cagaha loo geliyaa, si uusan nuuxnuuxsan karin oo adagna loogu tigtigaa. - Tarjume

Cutub 5aad: Zaylac iyo Buuralayda

Laba waddo ayaa Zaylac ku xira Harar. Midda koofur-galbeed aadda ee halowda toosan ah waa toban geeddisocod oo dhaadheer ama 20 gaagaaban1. Siddeedda hore carro Ciise ayaa la sii dhaxaa, labada dambana waxaa dhulkooda la sii maraa Oromada reer Noole ee xeerka "Waday" leh iyo Makad2 ama ugaas dhanka Masiixiyada u janjeera. Xaajigu waddadaa waa diiday, dakano cusbayd oo Reer Guullane kala dhaxaysay darteed. Wuxuu ii dooray waddada kale ee koofurta iyo xeebta marta ee qalqalloocan, xoolalayda Ciise ee Zaylac magaalada u tahayna sii dhex marta, dabadeed buuraha ku dhaw ka dusta, oo haddana dhanka koofur-galbeed Soomaalida Gadaabursi iyo Geriga ilaa meel Harar u muuqata gaadha. Waxaan ka shakisanahay in dooridda Sharma'arke nabadgelyadayda ma aha ee uu dan kale ka lahaa. Xinifo hoose oo ugaasyada degaannadan ka dhexeeyay ayaa muddo dheer"waddada gooyay", malaha Soomaaliduna ma nacsanayn in hadiyado tubaako iyo maryo Ingiriis ay dib ugu furaan waddadaa.

Hiirtii hore ee Nofeembar 27, 1854, gammaankii iyo dhammaan rarkii safarku iridda ayay diyaar ku ahaayeen. Shantii rati ayaa la soo arrumay, iyaga oo cabaadaya oo hoggaanka lagu jagaynayo. Qarqarsi ayaa jeenyaha loo xiray oo lagu joogsaday ilaa ay si wanaagsan u arrunteen, iyaga oo dadkii ag joogayna ay haddii loo baahdo qafuurka qabanayaan marka ay sida ayaxii hinqasho kor u bood ah isku dayayaan. Marka la heeryaynayo haweenkeenkii ayaa si xallad leh "Heestii Safarka (salsal)"3 ugu luuqaynaya, si ay awrta u illowsiiyaan xanuunka kuruska hoolmay iyo dhinacyada haaraha yeeshay:

Safarow idin ma hagranoo
Hayinkii waynnagaa rarraye
Habro safar raacay illeen hurdadaa hoddee
Miyaanay baddii iyo huurigii durba idiin carfayn
Allow Makaahiil iyo Midgohoodii idin ka hay.4

Marka ay arrunka ka kacaan waxaa lagamarmaarmaan ah in la dheellitiro rarka kuraha yaryar la mooddo, iyada oo si xooggan hadba dhinac "kor loo hinjinayo." Waa hawl aan awrta caabaad daran, luqunlaab iyo iskuday qaniinyo laga waayin. Mid awrta ka mid ahi sidiisaba bahal ayuu ahaa. Waxaa la sheegay in markii Zaylac uu ku soo noqday uu gabar reer miyi ah luqunta ka jabshay. Mid kale oo geel Dankaali arxan darane bar yar ah ase geed'adayg u dhasay wuxuu la baxay Al-xaraami, qaabdarrada uu ku dhiiqsaday darteed.

Abbaarihii sagaal saac oo galabnimo marka ay ahayd ayaannu iyada oo ay na weheliyaan Xaajiga, willkiisii wanaagsanaa ee Maxamad ahaa iyo Carab hubaysan oo si xushmadi ku dheehantahay noo sakootiday ka baxnay iridda Ashurbaara, daawatadii caadada ahaan jirtayna waa nagu soo xoomeen. Waxaan afka saarnay waddadii cidla'da ahayd. Mayl baarki markii aan soconnay ayaa nabadayn kal iyo laab is dhaafsannay, dardaaran qiimo badan oo ku saabsan feejignaan iyo habeenkii oo aannu ilaalo qabannana naloo guntay. Faataxada ayaannu marannay, annaga oo duco gacmaha fidinanyna, ballanqaad badan oo ku saabsan in aan iska war haynno dhakhsana isu arki doonno guntannay. Dabadeed, inta is gacanqaadnay ayaannu dhabarka isu jeediannay. Askartii ayaa waxay ii rideen riddadii sagoontiska ugu dambaysay, aniguna "Abu Sitahaygii"5 ayaan kaga jawaabay. Ma u jeeddaa gacaliye L(umsdenoow) sida dalmariddu ragga hebed uga dhigto. Waa lamahuraanka dabiiciga ah in meeshii bil qaddari ka tuurtaba uu ka helo "saaxiib nafta la wadaaga" iyo "fool dayaxlay qurxoon." Marka carriga Oryentaalka la joogo waa ay ka sii darantahay tii marka Hibernia6 la joogo, Waa sida malagga hillaaca ahow, ama taa haddaad weydo, waa inaadan wiilhoog ka dhicin. Bariga Afrika, gaar ahaan dhoohanaanta Ingiriiska, xishood ama islawayni dadka oo dhan way ku nacsiiyaan, qof walbana waa kugu soo hambaasayaa.7 Waa meesha M. Rochet uu ugu yeeray "oogta ka caddee" ayaa ugu habboon in aad saaxiibtinimo kasbato. Ninka aad danta ka leedahay waa in aad qaabbishaa, cumaacunnta qabataa, dhabarka ka dharbaaxdaa oo erayo jacbur ah isu daba dhigtaa. Sida qorshaha caqliyaysani dhigayana, haddii aadan afkiisa garanayn waa in aad qosol dheer dhag ka siisaa. Dhinaciisa soo fariiso, dabadeedna beebka tubaako bul ka siiya, qaxwahana qabta ku haya. Dabadeed wuxuu u muhunayaa in uu dheef kaa helo. Meelaha qaarkood ulajeeddadu waa inuu danahiisa kugu fushado, meelo kalena in uu tubaakada gacanta kaaga dhigo. Dabadeed si aayar ah ayaad galgalkiisa isaga moosaysaa, adiga oo u bayraya waxa adiga dantaadu tahay. Sida laga fisho, mararka qaarkood danihiisa uun buu ku tuuntuunsanayaa. Madax'adayggaaga oo kiisa ka sarreeya uun ayaase gaashaanka u daruuraya iskudayadiisa oo dhan. Marba marka ka dambaysa himmadiisu waa soo yaraanaysaa, ugu dambaynna waa kaa joogsanayaa gebi ahaan. Ninkii hadda waad hanatay oo gacanta ayuu ku jiraa e ogow.

Xusuusnow, adigoo raalli ah, waxaan ahay ganacsade Muslin ah, qof aan lagu khaldin qofafka ka dhex muuqda "Sayladda." Waa ganacsade marka xagga reer Bari la joogo isugu jiraa beecmushtare, wali iyo T.G8. Badanaa waa gob, meel walbana waa laga ciseeyaa oo lagu soo dhaweeyaa. Niyada wuxuu ku hayaa anshaxiisana ka muuqata in haddii Eebbe idmo uu noqon karo ra'iisulwasaare bil ka dib marka uu yaardi maro ah kaa iibshay. Ganacsigu waa uun danikubadday ee dhab ka ma aha, sidaa oo ay tahay diricnimadeed ka ma marna. Waa sayid jilibculus ah oo la xurmeeyo, tusbax gacanta ku sita, Qur'aankana bushimaha ku haya. Guud ahaan waa xaaji, sheekooyin dhaadheer ayuu ka mariyaa Goobo Barakaysan, far qurxoon buu qoraa, waxa uu akhristay oo marin karaa gabayo faro badan, diintiisa aad ayuu u yaqaannaa, hoos buu isu dhigaa si xushmad leh, xagga anshaxa iyo edebta dhan walba aad ayuu uga wanaagsanyahay, suldaan ama addoon kuu hor fariistana way u simanyihiin, tabtii isaga oo gurigiisii jooga oo kale. Carrigiisii xaas iyo carruur ayaa u jira, halkaa oo uu damacsanyahay in cimrigiisa inta ka hadhay ku qaato. Laakiin,"adduunyo la ma hubo" - "qaddar ayaa imanaysa, Aadane aragtidina ma haleesho" - "adduunyadu waa uun guri qabri ah." Muddo gaaban ayay oraahyadiisaa waawayn ee xikmadda lehi geyisiiyaan ra'yi ku soo ururaya in lafihiisu ay meel aan dhulkiisii aabbe ahayn ku baaliyoobi karaan.9

Safarkayga yarka ah haddii aan wax ka sheego; waxa geesinnimadii Abbaannimo lahayd oo dhan ku horboodaya Raage, waa hagahayaga Ciise e. Waa madax qaawanyahay, wuxuuna xiranyahay Go' iyo kabo saandal ah, toorrey dheer oo culus oo daab gees ka samaysan lehna dhinaca ayay dharka dushiisa ugu xirantahay. Gacanta midig wuxuu ku haystaa waran qara wayn oo silig ku maranyahay oo cuskasho u uu sito, cududda bidixna waxaa u suran gaashaan goobaaban oo harag la jukeeyay ka samaysan. Maadaama uu nin cilmi yahay, garab ayaa waxaa u suran Masalle harag la magday ka samaysan oo ah shay carriga Soomaaliyeed oo dhan laga adeegsado. Garabka kale waxaa uga ridan Weeso ama ubbo qabo ah oo biyo weeso cibaado loogu talo galay ay ku jiraan. Waxaa weheliya rag xooga alaab magaalo ah sita oo qaalin isla intii aan habeennimadii la gaarin ka lumay hogaaminaya.
Gacanyareyaashayda kale oo labada bilood ee soo socda safarkayaga nagu wehelin doona waa in hadda lagu baraa.Waxaa safka ugu horraysa Samawada Yuusuf iyo Ceebla Faarax, hablo buurbuuran oo ilaa soddonjirro ah oo hadda la baxay magacyadii hore ee Shehrazade iyo Deenarzade.10 Middiiba waxay u egtahay saddex haween dhexdhexaad ah oo la isku duubay, kaftan ahaanna waxay ka soo jeedaan duulka, sida aan rumasynahay, qaabka labbiska dumarka ee "bustle"11 loo yaqaan uu ka badbadis ku yahay. Dhab ahaan waxaa la yaab leh sida ay daal ugu adkaystaan! Marka la hayaamayo waxay sidaan tubaakada iyo beebka, awrta ayay hogaamiyaan oo dhangadeeyaan, rarka ayay dheellitiraan, fuullimaadna waligood lagu ma karo, caafimaad iyo xanuun midna. Marka la dego gaadiidka ayay furaan, alaabada ayay meegaar u dhigaan oo dushooda Guri raro ah ka taagaan, cunnada ayay noo bisleeyaan, shaah iyo bun ayay kariyaan, guud ahaanna dad wax qumman laga dheefo ayay noqdaan. Halka aannu deggannahay meel ka durugsan ayay degaan, maadaama aanu anshaxu oggolaanayn in labka iyo dheddigu is dhex galaan, dhaxanta ugu darranna wax dhar ah oo aan gambo iyo guntiino duug ah ka ahayn ma xidhaan. Codad lala yaabo oo gaagaaban oo si la garan karo uga duwan codadka adadag ee raga ayay leeyihiin. Markii hore araggayga way ka xishoonayeen, laakiin dareenkaasi markii dambe waa iska baaba'ay, mugganna jidka waxay nagu sii marsiiyeen maado aad uga fog kuwo loo aabayeelay iyo ilbaxnimo. Wax ay daalka ugu wayn isaga fudeedeeyaan oo ka sitaa ma jiraan adeegsiga"Joogjoogsi."12 Dhabbac dherer ah ayay dhulka isu bilqaan oo dhabarka isaga joogjoogsadaan, iyaga oo faraha cagta isku duugaya, dabadeedna si qumman uga kacaan, iyaga oo aad u nasan. Waxaa mar walba hablahaa aan laga ag waawin barbaar Saylici ah oo maadaama uu il la'yahay ay wehelladaydu ku tiiqtiiqsi ahaan"Kalendar" ugu magacaabeen. Joogto ayuu u tukadaa, mooraalkiisu waa biyokamadhibcaan, wuxuuna sidii Mrs. Brownrigg13 xagga dabciga ka gaaray meel oo haddii aanay annaga ahaan lahayn uusan hubaal hablaha adeegayaasha ah naf kaga tageen. Sidaa darteed, iyaguna waa necebyihiin isaguna waa uu ogyahay taa. Raage iyo colkiisa waxaa ka dambeeya oo daba socda Shehrazade iyo Deenarzade. Tan hore waxay hogaaminaysaa ratiga horgalka ah, tan dambana samayda shaabuugaygii ayay ku tukubaysaa. Cadan ayay hadda ka hor tagtay, si aad ahna waa iiga shakisantahay. Indhaheeda yaryar ee madmadoobi marna kuwayga ku ma dhacaan, si joogto ah ayayna dhabanka iigu duwdaa. Shanta rati iyaga oo xiriirsan ayay si habsami ah rarka u la saamaqaadayaan, iyaga oo markii ay gaabin damcaanna si fiican loo ulaynayo. Rarku waa bundado Wilaayaati14 ama maryo Maraykaani ah, Duwwarah oo ah maro Cutch15 adag ah oo ay weheliyaan maryo midabaysan oo dhinacyada ka lusha, si fiicanna loogu tolay dermo si boorka iyo roobka ay uga jirto, dabadeedna sar lo'aad kor looga wada gambiyay. Kaarad "Mushakar" ah (timir aan wanaagsanayn oo Mukha laga keenay) ayay Soomaalida u sidaan, annagna kaarad nooc wanaagsan ah iyo nus rodol tobaako baalbaal Surat16 ah. Waxaa noo weheliya sanduuq kuulo iyo waxyaalo kale oo dumarku isku qurxiyo oo rakhiis ah, dhegaha dumarki xidhaan oo bulukaati ah, kuulo, saacado iyo alaaboyin kale oo bagaash ah. Saadkayaga khaaska noo ahi wuxuu ka koobanyahay 300 lb. oo bariis ah - waa oonta halkan socdaalaha naftu ugu jidho e, weel wayn oo "Kawurmah" (?)17 ka buuxo, timir, milix18, subag sixin ah, shaah, bun, sonkor, sanduuq buskud ah (haddii saadku naga go'o), "Xalwad" ama macmacaan Carbeed loo adeegsado marka aad gorgortanka adag galayso, iyo in yar oo sacfaraan Hindi dhenegin ahaan loo wato ah. Waxaa noo dheer Maacuun yar iyo jiraabyo biyo19 ka buuxaan oo xargo ka lusha. Ugu dambaynna, ugumase qiimo yara e, waa sanduuq culus oo rasaas saddex bilood ugaarsigood ku filan20 ay ka buuxdo. Safarka waxaa daba luudaya haweeney reer miyi ah oo dameer wadata - waa"raacdareebta" ugu wanaagsan marka dhulalkan la joogo ee ay awrtu safarka hordhacaan, fardaha iyo dameeruhuna ka dambeeyaan. Lax ayaan daran oo Xaajigu hadiyad sagootis noo soo siiyay ayaa dhinac ordaysa oo qaafilada hadba dhan ula birinbirqaynasa. Sida ay hebedka noogu noqotay awgeed ayaa Soomaalidii waxaa lagu amray in ayan "gawricin." Maxay se kuugu taal, maalin maalmaha ka mid ayaan aniga oo qadaynayay ogaaday in waxa aan cunayo tahay neefkii idaha ahaa.
Awrta dhinacooda waxaa fardo ku jooga sadexdaydii gacanyare, pink(?)ga Soomaalida. Tuurarkooda timuhu taalooganyihiin xayr ayay la dhalaalayaan, maryahoodu aad ayay u cadcadyihiin oo xortu casaan la wirwirqaysaa. Gaashaammadooda cuscusub qanfasyo ayaa ku dahaaran, warmahooda labalabada ah ee garbaha midig u saaranna dhowaan ayaa la soofeeyay, la subkay, la madoobeeyay oo la dhalaaliyay. Qorigaygii dheeraadka ahaa iyo buntukhdaydii waxaa lagu daray rarka awrta saaran. Hub noocan oo kale ah Cadan aad ayaa loo la dhacaa, dhulka Soomaaliyeed se raggu waa yasaan qalabka baas! Waxaan u sheegay in dalkayga dumarku ay adeegsadaan qaansooyinka iyo gamuunnada, waxaana aan u raaciyay in warmaha guud ahaan lagu yaqaan ciidanka aan furinta gelin. Bal adba ka dhaadhici hadde! Waxay aad uga dambeeyaan aadna ugu xagliyaan qaansooyinka, gamuunnada iyo warmaha. Fardafuulkoodu waa nooc silloon. Heensayaashooda yaryar ee Xabashiga ah ayay iska dhakooliyaan, iyaga oo lugaha fidinaya cirbahana kor u yara taaga, sida tabtii Louis Quinze.21 Rakaabku waa gobaabin bir ah oo suulku uun uu geli karo.

Waa daba galay aniga oo fuushan baqal cadde wanaagsan oo markii galonne' Carbeed iyo sitaac lagu mardaadiyay xarrago la tiicaya. Qori labadhuumoodle ah ayaa dhabta ii saaran, gal qaab daran oo Xasan Turki (ama Tuke) sameeyayna waxaa iigu jira lixlaydaydii Colt22 ahayd. Annaga oo sidaa isu daba qoodaynayna, waa sida aan ku wadi doonno wixii hadda ka dambeeya e, ayaannu koofur iyo xagga xeebta afka saarnay dhul dedib aan dhagax lahayn oo carrogaduud ah. Xaggan gawaan qallallan, xaggeerna waa halka hirku ku soo rogmado, dac iyo khooriyo ka gudubnay, biyo mareenno balballaaran iyo bannaan kurtummo badan oo dhoobo adag oo suyac ah ayna ka buuxaan dhirta salsolaha milixa u adkaysata ee dalmareenka Carabeedi yaqaan sii dhex qaadnay. Sidaa ayuu guud ahaan u yaal qaabka dhulka u dhaxeeya gubanta iyo oogada ee ballaciisu, marka daliig toosan laga cabbiro, uu qiyaasta gaari karo 45 ilaa 48 mayl. Qaybta buuralayda ugu soo horreysa waxaa u dhaw dhir is haysata ah oo badan, qodaxley iyo qurac noocyo badan leh ayaa cutubyo u baxa, dhul qarar iyo boholo leh ayaa xirmooyinkaa dhirta ah looga baxaa. Xilliga dabaylaha Maansuunka ka dib, dhulkan waxaa daboola caws doog ah. Xilliyada kale wax aad u yar oo qoyaan biyo maaxeed u eg ayay leedahay. Dhulkaan waxaa dega jilibka Mamaasan ee qabiilka Ciise. Waxaa mucjiso ah sida "Qorraxjoog"tani, sida badawida ay Soomaalida magaaluhu ku magacaabaan, ay halkan xilliga diraacda ugu noolyiin. Dubka ayaa gacmaha iga dhacay xataa iyada oo bisha Diseembar la joogo, weheliyeyaashayduna iyaga oo kulayl la haraaryoonaya, sidii Atlanteskii Herodotus23 sheegay, ayay qorraxda soo baxday haaraan ka la daalaan. Reer magaaluhu marka ay ka maarmi waayaan in ay socod degdeg ah ku maraan xilliga kulaylaha, waxay dharaarta isku dedaan maryo nus saac walba biyo badeed la kumbiyay. Sidaa oo ay tahay, waxay mararka qaarkood u dhintaan harraad daran oo Samuunta (samu'n) ka dhasha. Badwidu hadda roob ayay aad u quuddarraynayaan, dhawr todobaad oo abaar dheraad ahna kala bar oo bar xoolahooda ayay baabi'inaysaa.
Horaantii duhurka ayay Abbaankayagii iyo haweeney daqiiqado hakadeen oo inta weesaysteen si caynad gooniya ah u tukadeen. Markii ay sida ay u muuqato ku qanceen sawaabtii, dib ugu ma ayan celin salaaddii. Qorraxdhacii marka ay ku dhowayd ayaan dhanka midig ka marnay xidhmo geedo ah oo ka baxday ceel lagu magacaabo "Waraabood", Ceelkii Waraabaha. Halkani waa Marxallada ama nasiyada koowaad ee badanaa safarrayda xeebta ka timaadaa ay ku hakadaan. Halkan waxa ka baxa jid toosan oo koofur-koofur-galbeed lix geeddisocod oo gaagaaban xagga buuraha qabta. Abbaankayagu, si ay ahaataba, waxaa ka go'naa in aannaan degmadiisa dhinac marin. Saacad barkeed ka dib waxa aannu marnay nasiyadii labaad"Hangagarri", waa ceel badda u dhow e. Bidhaamo is daba joog ah oo mugdiga ka dhex birbirqayay ayaa noo tilmaamay in aan Ciise dhex joogno. Labadii saac ee habeennimo ayaannu gaarnay"Gaagaab", nasiyada saddexaad, halkaa oo inta awrtii dhulka isla dhaceen joogsi qasab ah dalbadeen. Raage isagu wuxuu ku tirtirsiisay in la socodo, isagoo ku cataabay in ay u muuqdaan oogihii reerkiisu iyo qabiilki. Hase ahaatee, xoolihii ayaa taa ku diiday. Rarka ayaa laga dhigay oo dabadeedna daaq loo sii daayay, hoggaannadii dameerahana dhadhaabbo ayaa tiirar ahaan loogu xiray. Dabadeed, markii dab la shiday ayaan casho aan bilnayn oo timir ah u fariisannay. Hawadu waxay ahayd saafi aan caad lahayn, neecawda habeenkuna mid macaan oo beddeshay tii hanfiga maalmeed. Ardaaga yar ee lagu jiray ayaa wuxuu baaxadsooraha qurxoon ka dhigay mid ishu ku doogsato, iyada oo gadgaddoonka hirka xeebta nagu dhaw iyo muusigga dawacadu ay hurdo macaan noo qoonsadeen. Waxa aannu dareennay in hadda xaalladu ay si qumman meel aan laga noqon karin joogto. Aniga oo bastooladahaygii i dhinac yaallaan, qorigayga baadkiisa barkin ka dhigtay, dhuuntiisuna firaashlayaal ii tahay ayaan dhinaca dhulka dhigay, aniga oo uusan iguba jirin walwalka xataa dalmareennada kuwooda ugu qalbi adag ay ugu horrayntaba dareemaan. Waa farqiga u dhaxeeya dhab iyo dheel, welwel iyo kalsooni. Ragga wax uun karaan lagu fikiro ah hibada loo siiyay sugitaanku waligi waa uga daranyahay dhacdada dhabta ah (Wax raagaa rag ku ma sama). Sidaa ayay iska tahay oo qofka dareema argaxa cabsida inta uusan halista foodsaarin waxay u beddeshaa dikaanka raynrayntu leedahay marka ay halista gacmaha isu la tagaan.

"Yawmul Qiyaame" ayaa habeenkaa iskii isugu xilqaamay in uu waardiyaha qabto. Markii waagu soo ifay ayuu na toosiyay oo dab belelayana oogay, iyada oo hablaheenniina ay guda galeen in ay awrta raraan. Horay ayaan safarkeennii carracas gawaan ah sii durdurinnay ilaa aan dhul cammuud ah galnay, sidaana ugu sii gudubnay kayn caws adag oo hurdi ah leh. Waa mid aan la mid ahayn cawsgummudka carriga Ingiriisku bisha Sebteembar leeyahay. Waagu wuxuu noogu beryay Arcadia24 Soomaaliyeed oo cilladaheedu ay uun biyo wiyeer ah iyo Samuun yihiin. Xoolajir fooryaya25 oo maqashii xoolaha gacmaha ku sida ama kuwo waran gacanta ugu jiro ayaa daaq gaynaya hormooyin is daba jooga oo ah geel madaxyo coomaadi la moodo ruxaya. Waa kadin garbaha isku haya oo inta luqumaha soo laabtaan ciyaar ahaan siday isu xigaan isaga qanqaniinyaan foolka, kuruska iyo gaafafka. Waxaa hogaaminayay baarqab ay luqunta Koor dawan geed ka qoray ah ka lulato. Waa shay loogu talo galay ka hortagga haraanimada. Badankoodu waxay wateen nirgo da' walba leh (maadaama dayrtu xilliga ay rimaan tahay). Tirooyin ido ah oo wada dul cad madaxuna dugul madow yahay ayaa ku yaacsan banka hurdiga ah, tirooyin riyo ah oo deero la moodana waxaa duurka u raacay carruur dhuu26 xiran. Dumar iyana sidaa oo kale u labbisan oo qaar mayrax ruugayaan qaarna saaqa geed Sogsog lagu magacaabo xargo iyo geeddiga raarka ka maleegayaan ayaa weheliyay. Wiilashu waxay siteen ulaha xoolo raacda, wadaamahoodiina27 inta madaxa surteen aya xagga dhabarka u ridanyihiin. Mararka qaarkood wan qool cad oo harag ah ayaansi ahaan luqunta loogu xiray ayay kaxeeyaan, marar kalena eyga oo xayawaan aan sinnaba badwida wanaag looga tusin ah ayay la ciyaaraan. Haddii ay sii socdeen ayaa sagaarada yar ee qurxooni dhirta ka dul boodbooddadaa, dushooda cirka aan caadka lahayn ahna waxaa heehaabayay xayn coomaadi iyo gorgorro waawayn ah, waa caalamadaha aan lagu kadsoomin ee muujiya meelaha dadku degganyahay dhulka Soomaaliyeed e.

Dhabbayaal badan oo is wada jaraya ayaannu ku garannay in aan degmo dad badani degganyahay ku dhawnahay, isla markaana rag ayaa ka soo yaacay aqalladooda gaaguuro shinniyeed la moodo, iyaga oo muujinaya ku faraxsanaanta imaanshahayaga, maadaama ay Habar Awasha colujoogga ahi ugu gooddiyeen in ay "baabi'in doonaan." Sida caadadu tahay ayaannu si deggenaan leh ku sii dhex marnay halo ramag ah oo didintu wax yeesho, labadii saac oo subaxnimo marka ay ahaydna waxaan nimi degaankii reerkii hoggaamiyahaga. Waa nasiyada afaraad ee lagu magacaabo "Godingaras", dhulka godan ee geedka Garasku ka baxo. Degmadu waxay dhacdaa koofur-bari (165°), qiyaas ahaanna labaatan mayl ayay u jirtaa Zaylac. Raage aayar ayuu siibtay, haddii aannu xeradii u soo dhowaanayna badawiyiintii ayaa dibadda u soo yaacay, si ay noo daawadaan. Isla markaa Sheherazaad iyo Deenarzaad ayaa udbaha aqalka lagu dhiso degmada ka keenay, rarkayagii furay oo meegaar u dhigay si ay darbi uga sameeyaan, aqal taagay, firaashyadayadii hooska noogu fidiyay, caano dhay iyo dhannaan lehna noogu yeeray. Waxaan maqlay nuxnux waranlay madaxyo cas oo eraybaaska "Faranji"28 ku celcelinaya. In kasta oo aysan halis jirin, waxaa la is tusay in sida ugu dhakhsaha badan dhoollatus loo sameeyo. Muggan waxay bilaabeen in ay hubkeenna wax ka sheegaan. Xammaali ayaa wuxuu ka dalbaday in ay gaashaammadooda midkood meel yool shiish u suraan, dabadeedna qosol ayay la daateen aqbalaad se waa ka maagteen. Ugu dambayntii coomaadi qoormurux wayn oo midab bunni ah leh ayaa wuxuu soo gandoodsaday meel 20 tallaabo jirta. Soomaalidu waa necebyihiin "Gorgorka", maxaa yeelay goobta dagaalka ayuu nafkadhawrka israaciyaa oo uu maydadkana cunaa. Gantaal xabbad shimbidhka jirkiisa haleeshay ahayd waxay sabatay in ay qaylo la yaab ah ka wareegaan, qaarkoodna waxay cayrsadeen gumacii oo qar sii fooryaya. Haddana intaan xabbad xidinxiito oo aysan badwidu waligeed arag cabbaystay ayaan coomaadi kale oo samada lalaya la soo dhigay. Sawaxan hor leh ayay haddana daba dhigeen ammmuurtan mucjisada leh. Haweenka waxaa ka soo yeeray, "dhugo, shimbiruha ayuu circa ka soo ridaaye." Nin oday ah isagu inta uu murrugsatada afka saartay ayuu Rabbi mahadiyay oo ka magan galay musiibadan oo kale. Saamayntii ay arrintaasi reebtay waxaa iiga soo baxday in aan mar walba sito dhuun cabbaysan ayna jawaab u noqoto dhammaan kuwa "Faranjiga" isku taaga.

Maalintayadii waxa aannu ku idlaysannay aqalka gudihiisa, iyada oo sidii looga bartay ay nagu weheliyaan xoon timasilig badwi ah oo si ku adkaysi leh u kadkadalooba ka soo horjeedkayaga, iyaga oo waran gacanta ugu jiro, dhaqaaq walba oo aan samaynnana indhaha ku haya. Duhurka dabadi ayaa aqalkii daaha loo rogey, sidaasi waa feejignaan marka sanduuq ama xirmo alaab ah la furayo la adeegsano e. Caano ayaannu dhannay, bariisna waxaan ku cunnay "aqool" Kawurmah (?) ah. Maalinta kalabarkeedii ayaa dadkii xoonsanaa hurdo la dhaceen, saaxiibbadayna waa ku daydeen, aniguna waxaan fursaddaa kaga faa'iidaystay in aan wax sawiro iyo qoraallo yaryar.29 Casar dheer ayay badwidii soo rogaal celiyeen oo tabtii baryo tubaako ugu soo yuurursadeen. Nin walbaa marka uu sacabka buuxsado ayuu kadaloobka ka kacaa oo tiisa raacdaa. Odaygii buntukha necbaa wuxuu ku yoto'saday in uu helo daawo neef geel ah oo ka jirrannnaa uu ku daawaysto, markii uu helayna wuxuu bilaabay duco qaddar ugu yaraan saac barkeed ah socotay oo uu ku soo afjaray tuf safarka oo dhan balaayo ka xijaabta.30 Mar walba wa ay fiicantahay in laga farxiyo Cuqaashaas waawayn oo xushmad tan ugu wayn ay u hayaan qabiilooyinka rumaysan "waay'aragnimo waxyi bay u dhigantaa" oo ah in khayr badan ama shar kaga iman karo.

Galabnimadii ayaannu iyada oo uu i weheliyo Yawmul Qiyaame inta buntukhaygii qaatay ugaaarsi aadnay. Hase ahaatee, banka waxaa buuxshay dad iyo xoolo, durjoogtii ku noolaydna waa ka qaxday. Socdkayagii ayaa waxaan booqannay qabri geesi Ciise ah ku xabaalanyahay. Dhererka qiyaasta 10 cagood ayuu dherer jeeday, waxaana lagu dhoobay dhagxaan quruurux sibsib ah, jajab dhagaxshiileed iyo dhagxaxnuuradeed badan. Laba dhadhaab oo labada dhan laga taagay uun ayaa lagu tilmaansan karaa meesha madaxa iyo majuhu kala jiraan. Waxaa iyana la suray wixii marxuumku haruubgaallo lahaa oo qorrax iyo dabayli gorofeeyeen. Qabriga waxaa ku meegaarnaa xayndaab yar oo geedqodxeed ah, ka soo horjeedka surunka kaliya ee yar ee laga galana waxaa safnaa dhagaxyo saf saddex qoton ah ah u yaal oo tilmaamaya inta qof ee uu geesigu cadow ka laayay. Marka billadahaas laga gudbo ayaa waxaa loo tagaa hooso geedqodaxeed laga waabay oo ay afar tiir oo mudh ahi hayaan. Waxaa loogu talo galay in eheladu hargalaan oo fariistaan marka ay siyaarada ku kulmaan, ku waliimaystaan, ku baroortaan oo ku duceystaan. Tacsiyadaha iyo qabriyada badwidu waa wax iska wada fudud. Ma laha qabuuro aad loo qaddariyo sida kuwii Sind31 iyo dhulalka kale ee Muslimiinta xoolo dhaqatada ah. Ragga meesha naftu ku dayso ayaa lagu aasaa, sida qabuuro dhulka yaacsan ay dhif u yihiinna waa wax iga yaabiyay. Maydka durbaba waa la aasaa. Dadkan, sida cawaantu u badantahay, argagax ayay geerida iyo wixii soo xasuusiyaba ka qabaan. Dhawr goor ayaa la iga baryay in aan tuuro udub loo adeegsaday xabaal qodid. Naxashku wuxuu ka samaysanyahay qoryo si aan qaab lahayn la isu suray oo xargo iyo suuuman harag ah la isku la qabtay. Qaarkood maydka inta duubaan ayay fadhi u dhigaan, si ay uga baaqsadaan dhibka in ay dhulka hoos u sii qodaan. Waxaa suurowda in tani ay sabab u tahay qabriyada goobaaban ee meelo badan oo dalka ah lagu arko. Badanaa maydka waxaa la dhigaa god dheer oo qoryo iyo dermo lagu dahaaray, dabadeedna ciid iyo geedqodaxeed ayaa dusha lagaga sii dhoobaa. Dhagxaan teelteel ah ayaa lagu meegaaraa, dabadeedna dawacooyinka iyo dhuwaayadaa loo nacaa.

Maalin ayannu ku hakannay Godingaras, annaga oo rajanayna in aannu haleelno geeddiga cidaha halkaa yiil. Nofeembar 30, waaberiga horti ayuu Qayladhaanlihii32 Soomaalidu koodda dusheedii kaga dhawaaqay "war awrta soo qabsada! Ha la raro! Waa guuraynnaa! Abbaarihii laba saac oo subaxnimo markii ay ahayd ayaannu ku dabafaylnay. Muuqaalku aniga kolley aad ayuu iila wanaagsanaa. Rag 150-meeyo waranley ah oo ay qoysaskoodii weheliyaan ayaa waxay kaxaynayaan tirooyin isu geyn gaari kara 200 oo lo' ah, geel 7000 oo neef ah iyo 11000 ama 12000 riyo iyo ido isugu jira. Saddex nin kaliya ayaa Baalka33 geesinnimada calaamadda u ahi u taagnaa. Si ay ahaataba, dhawr ka mid ah ayaa waxay xirnaayeen sindiyad34 fool maroodi ka samaysan. Waxaa hawlaha ka kaalmaynaya wiilal madaxu qaab dhoor silloon ah ugu xiiranyayahay iyo eeyo waawayn fongoran ah oo saymaha baabulo ku leh. Xoolaha ayay kaxaynayaan, maqasha ayay xambaarayaan, kuwa goonida u baxa waa soo xanjafiyaan, idaha socon waayana labada lugood ee dambe ayay qabtaan. Kuwa xanuunsan oo markaa badnaa, maadaama waqtigaa cudurka Dabakaruubku uu aad u jiray, awr ayaa lagu siday, iyaga oo majahoodu sarta35 hoosteeda ka soo jeedaann.

Geela badankiisa summada Habar Awal ayaa ka muuqatay.36 Awrtu iyaga oo ay agab alaabo aqal iyo maacuun isugu jirtaa ku rarantahay ayaa gabdho hoggaaminyaan. Marwooyinka oo dhashoodii dhuu ama maro jeeniqaar ah ku xambaarsan ayaa iyaguna daba socda. Gabdhaha yayar oo dhoorka wiilasha ay food37 garaangar wareegsan ah u wehelisana maqasha ama waxaraha yaryar ayay sidaan ama hooyooyinkood ayay ka caawinayaan xambaarka carruurta. Sida ka muuqata, cabsi ay dhuljiif ka baqayaan ama "duullaan" ayay waxay i waydiinayeen in aan "dabkaygii" sito nagana baryeen in aan booska hoggaansharafeedka hormuudka ah galno. Markii kooxdayadii yarayd aan ciribta hore ugu yara dhufannay ayaa geelashii dideen, waxaana la yaab nagu noqday in ciddani ayan aqoon farqiga fardada iyo baqlaha u dhaxeeya.38 Kuraydu markii ay ciyaar ama kaftan ku jeestaanba abbayaashood ayaa waxay ku bajiynayeen in uu cuni doono ninka cad ee dadqalka ah, dumarkuna marka ay na arkaan annagoo ku dhaw ayay yiraahdaan "waa kan odaygii cilmiga yiqiin!"

Markii aan xeebta muddo laba saac ah la xanjeerannay ayaan aniga iyo Yawmul Qiyaame hore uga sii fulnay, si aan u soo aragno Dixda Selel39, dix biyood ka timaadda buuraha galbeed oo waqooyi-bari xagga badda ugu shubta. Marinkeeda waxaa ku astaysan saf dheer oo dhuur xallad leh oo cagaarkeeda cusubi labanlaab u muuqday, iyada oo ay dheelli tireen cawska hurdiga ah iyo cirka midabku lafcidh cassaan galay yahay. Durdurradani waa Jannada Awdal. Qararka waxaa si soo jiidasho leh ugu teedsan qurac noocyo badan isugu jira oo qaarkood sidii Saquumka40 la sheego u qodxo badanyiin, kuwo kalena sidii dallaayad baarashuud la moodo ayay jiq aan la mari karin ah u baxeen. Geedsaar cadcad oo waawayn oo masas la moodo ayaa dhirta waawayn ku marmarnaa. Laamaha sare ayuu xargaha surtay oo sidii silgihii laamaha hoose dhulka isku dhereriyay. Dulin fara badan oo cayillan ayaa meesha ka buuxa. Halkan burcooyin cagaar ifaya ah ayay ka samaysteen, xaggoona waxay dardar aan laga waayin ku hareereeyeen jirrida geed qallalay oo uu ka hooseeyo caws dhecaan miid ah leh. Maxaa barwaaqo ishu ku doogsado ka muuqata meesha! Geedqodxeedka dhuudhuuban waxaa ka lusha buulal shimbiro Yaryaro ah oo ay neecawdu ruxayso, geeduhuna waxay jawda la hayaan cida shimbiro baal cad oo isu jiibinaya. Durdurrada ciiddoodu waa tan ugu saafisan uguna wanaagsan. Waa cammuud cad oo la dhalaalaysaa wiriqo dahab la moodo oo isugu jirta dhuudhuub qarsho u eg iyo dhagaxbaruur caano u eg, dhagaxdhuxul cascas iyo dhagaxdixeed midabbo badan leh. Mararka qaarkood waxaa bartamaha jasiiradyarey geedqodaxeed toon gooni u go'an ah iyo dhagxaan meelo taallaysan oo ay ka taaganyihiin cutub gob ama qurac dhaadheer oo jiq ah. Waxaa xaggooda hoose is xiray safaf bocorduur ah. Halkaan ayay aalaaba ku yaallaan ceelasha ay ku hareeraysanyihiin geedqodxeed caleemihii kore laga laacay oo ay kurtummo gaagaaban oo qarbadka la surto uun ku soo hareen. Marka xooluhu daaqa jiraan waxaa la arkaa raxanno ugaar deero ah oo si xarrago leg u daaqaya dhulka baadku jiifo iyo raad mas oo dhulka ku xardhan. Habeenkiina duurjoogta kuwooda subaaca ah oo ay ka mid yihiin libaaxyo, haramacad, iyo maroodiga ayaa doorkooda caweeya. Dhulka Soomaaliyeed ceelku ma aha meel lagu baashaalo. Raggu agtiisa ku ma daahdaaho si uu ugu sheekaysato, dumar ma soo booqdo, safarrayduna way ka baqaan in ay teendhada ka mutaan halkaa marna daadku ku soo rogmado marna ay cadawga dad iyo dugaagba leh ku kulmaan.
Geed ayaan hoos fariisannay si aan u daawanno reeraha oo togga is daba qoodaynaya. Ciribta ayaan ku sii dhufannay, laba mayl markaan sii fuushanaynna waxaan gaadhnay bannaan Quraanyaale la yiraahdo, halkaa oo aqalladii reerguuraaga mar hore laga sii taagay. Bankan guban ee aan geedaha lagu arag wuxa uu dhacaa meel qiyaasta siddeed mayl iyo 145° Koofur-Bari ka jirta Godingaras. Labada meeloodba (Godingarsas iyo Quraanyaale) waxaa looga arooraa Angagari, ceel badda u dhaw oo fogaan inta uu ka qabo xoolaha waaberi hore la sii dareeriyo, si ay gabbaldhaca ka hor u soo hoydaan.

Gacanyareyaashaydii ayaa aqalkii sii dhisay. Xammaali iyo Guuleed Dheere waxay ka walwalsanaayeen maqnaashahayga, Cawarna wuxuu u muuqday mid gadood ku dhaw. Yawmul Qiyaame oo aan falxumo seegin ayaa dhegta igala faqay, "naagtaada, canuggaaga iyo addoonkaagaba waa la quursadaa, haddii kale adiga ayay kugu hambaasayaan!" Si kastaba ha ahaatee, u ma uusan baahnayn maahmaahdan duqowday si uu canaan kulul ugu qalqaaliyo ninka kale. In "Coventry loo diro" (Faquuqiddu) wax uga daran safarrayda reer Bariga, anshaxa iyo kala dambaynta oo dhan bay burburisaa. Maalintaa Quraanyaale ayaan ku hakannay si aan u diyaarsanno biyo iyo caano noogu filan laba socod oo dhaadheer oo aan oommanaha kaga gudubno buuralaydana ku gaarno. Maadaama aan xeebta u dhawayn, cirku daruur ayuu lahaa, in kasta oo raggu roobdoon aan laga cabin baryo ku tuuntuunsaday. Abbaarihii duhurka ayay neecawda macaan ee xeebtu dhabannada naga salaaxday, bankiina udbo ciid cad ah oo dabayli kicisay cirka isku shareereen.

Milicda ayaa bixid noo diidday, aqalkeenniina marti baahan ayaa soo gabratay. Raage oo ay reerihiisii soo tirtirsiiyeen isagu sidiisaba madax adayg ayuu halkan la soo yuruursaday. Hadda tubaako keen, haddana waa bariis, misana timir, mar kalena waa alaabooyin kale. Maasha Nabigu Jannadii ka yeel meel fuquradu cunno iyo cabbid uun u joogaan!

Bedwiyiinta caqda ku dhaw Soomaal iyo Carabba caqligoodu caloosha ma dhaafo, riyadooduna ma gaadho dhereg ka sarraysa calool cabbaysan. Quudku waa hal nooc uun, cad iyo caano, waana nin iyo cirki oo xataa lafaha timirta si dhuuninimo leh ayay u muudsadaan. Haddana, sida Xabashida oo kale ayay uga ash'ashaan oo ay u adagtahay in laga qanciyo xagga cunnada. Mallayga wanaagsan ee dabiici ahaan badahooda aadka loogu mannaystay wa ay ka faanaan. "Ha igu la hadlin afkaas kalluunka cuna!" waa cayda ay badwidu isku oran ogyihiin. Haddii aad taabato shimbir ama digiiran, nooca ay doontaba ha ahaatee, dhammaan waa lagu yasayaa, xataa dawarsadayaasha caqday. Waa in aadan dhuuxa jabsan ama aadan cunin hilibka lafta tagoogada idaha, gaar ahaan marka aad socdaalka tahay, kelyahana waxaa loo yaqaan cad dumar. Bakaylaha carriga buuxa cidina aan Soomaalida Waqooyi ahayni isku ma daydo, badankooduna sagaaraada iyo ugaarta noocyadeeda kaleba ma cunaan. Ku ma sheegayaan in hilibku uu xaaraan yahay ee waa uun ka yaqyaqsi. Kuwa miraha bunka ruugaa waxa ay iska jiraan in ay tiro dhaban ah afka geliyaan, caanaha geelana marnaba lama kululeeyo, iyada oo neefka fal looga baqayo.41 Soomaaligu, si ay ahaataba, mid ayuu kaga duwanyahay dhiggiisa Carbeed. Kan dambe waxa uu ku faanaa cunno yaridiisa, kan horese sida Hindida Waqooyiga Ameerika ayuu ragannimadiisa ku cabbiraa cirkiisa. "Wiilka Soomaaliyeed" marka uu wax kala gartaba waxaa la baraa in uu laba rodol oo hilib idaad kan ugu adag ah ka tuuro oo uu wali dheeraadna raadsho, haddii awoodda cirkiisa uu ku guul darraystana nacasnimo ayaa lagu xantaa.
Maalintii xigtay (Jimce, Diseembar 1) ayaan Abbaankii ogaysiinnay in aan doonaynno in aan horraanta duhurka dhaqaaqno oo sidaa digniin ugu siinnay in isaga iyo wehelkiisuba isla diyaariyaan biyihii iyo caanihii socdaalkayaga aan u saadan lahayn. Hawraar san ayuu ballanqaaday oo libdhay. Abbaaraha sagaal saac oo galabnimo ayaa badawi sida caadada ah ku hubaysan waran iyo gaashaan soo dhoobteen hareeraha teendhada. Dhulkanna waxba ka ma qabsoomaan "shir!" baas la'aanti, afmaalnimadii ayaa markaa la bilaabay. Khudbad dheer oo xasaasi ah ayuu Raage tolkiis kaga yaboohay saadka aan ugu baahannahay safarkaga iyo in ay naga kaalmeeyaan socdaalka dheer ee dhibka badan. Hadalladiisii cidina dheg jalaq u ma siin! Dadkan duurjoogta ah waxaa ka muuqatay in ay ka cagajiidayeen in annaga ama dharkayaga iyo tubaakdayada ay na sii daayaan. Mid ayaa ku adkaystay in uusan safarka "wax ka dheefin oo uusan buuri42 ka dhadhamin, haddaa muxuu u kaalmaysanayaa?" Markii aan dhegaystayaashii oo mashxaradaya wayddiinnay waxay na tareen waxay isugu jiibiyeen "horta dhulka yaa iska leh?" Mid cufnaanta quruxda Shehrazaad u jidbooday ayaa isaguna guurkeeda dalbaday, isaga oo hal irmaan yarad ahaan noogu ballanqaaday."Ismoogaysiis" ayay gashay oo ku dhici wayday diidmo qayaxan, kii doonayna muhashadii Hibernian43-ka oo kale ayuu ku muujiyay in ay yeelmo uun ku habboontahay dadabgalkiisa. Dameerihii ayaa ceelka loo aroorshay oo la is faray in duhurka horti laga soo celiyo. Hase ahaatee, tobankii saac oo galabnimo markii la joogay weli ma ay soo muuqan. Dabadeed aqalkii ayaan ka baxay oo inta ciridda waylaalis ku fariistay raggii ku amray in ay noo raraan, intaa oo ay weheliyeen dood Abbaanku ka qabay iyo faragelinta kontomeeyo badawi ah. Haddii aannu taayadii ku sii adkaysannay, iyaguna diidmo qayaxan ayay soo istaageen oo ku sii dareen in waxaan sidanno oo dhan iyaga carriga lehi iska leeyihiin. Taa (dhulka lehidiisa) dood ka ma aannaan celin, waxaan se ugu hanjabnay fal44-ku markada geeri, colal duullaan ah iyo subaac "geelashooda, carruurahooda iyo dumarkoodaba" huf ka siiya. Tani isu caqlicelin ayay gelisay, waa falceliska aalaaba gooddigan oo kale ka dhasha e. Markaa ayaa koodii ugu da' waynaa sare kacay oo kamagangal ahaan noogu candhuufay. Afkiisii dulaakhnaa45 ayuu khudbad nuxur leh kaga tologtolog siiyay oo tolki uga digay in aysan wanaagsanayn in martidan oo kale la xayiro. Dhago nugul ayay u jalqiyeen erayada Nestor46-ka, iyaga oo leh "war aynnu u hoggaansanno cimri ayuu joogaaye!" Gammaankii waa yimid, laakiin markii aan wehelladii doondoonay midna la ma arag. Zaylac waxaa lagu soo heshiiyay in labaatan nin oommana oo ah kob la isku dhaco ah ay naga gudbiso. Hase yeeshee, hadda shan ilaa lix caydh fara madow ah ayaa yeelay in ay dhawr mayl uun na weheliyaan. Si edebsan ayaan u diidnay in aan dhibno kuwan, laakiin waxaan ku adkaysannay in Abbaankayaga iyo saddex tolki ah ay na raacaan. Markii ay qaar badawidii ka mid ah wali naga soo horjeedaan ayuu widaygayagii waayeelka ahaa mar kale istaagay oo ugu dambayntii canaan mug leh ku aammusiyay. Madaxiisa ayaan ku rarannay mahadcelin badan iyo sacab tubaaco ahna wuxuu noo dhaafiyay duco kal iyo laab ah. Dabadeed inta baqlahayagii fuulnay ayaan dhaqaaqnay, iyada oo ay na daba oryayaan saf dheer oo wiilal wada qaaqaawan ah, daliig kuul cad oo luqunta u suran mooyee, se ku hubaysan warmo, qaansooyin iyo falaadho gaagaaban. Waa kuwo dhab ahaan dhiirranaantii adaafiirta baabuun47 lagu ogaa ay u dhammayd. Fardafuulka Yawmul Qiyaame ayay xifaale ka dhigteen, ilaa aan ka baqay in wax kala gaaraan. Sidii badmaaxii ayuu fardafuul xallad leh isku faanshaa, kurayduna meeshaa oo uu u nugulyahay ayay ka damqayaan.

Halkaa markay joogto, si abbaanka loogu daneeyo ayaannu xeebta la laabannay oo meel fog waddada toosan ka qabsannay. Hadda waxaan afka saarnay koofur-galbeed, xagga dhulka gudaha ah u jeedda (marka xeeb laga tago). Laba iyo tobankii saac ee maqribnimo ayaannu Guban48 oo qorraxdeeda joogtada ahi ay hurdi la wirwirayso cagta saarnay, si aa ugu gudubno xagga kale daliig buuro lafcidh ah oo ilikuwareedhay ka muuqda. Soomaalidu habeenka ka ma qabaan cir'aanayska argagaxa leh ee Crabta iyo Xabashidu ka qabaan, hase ahaatee, Abbaankayaga waxaa ka muuqday cabsi baahsan oo uu ka qabay budhcad, dabaqalloocyo iyo masas.49 Waa ka feejignaa oo si u fiirsasho ku dheehanyahy ayaan anqawyada ugu duubtay maro xariir madow ah oo Carabtu ku magacaabaan Zacal50 oo si baahsan looga adeegsado Yemen. Waxaa dheeraa xantoobo toon iyo opiom51 ah oo halkan si qiyaasan loo diyaariyo oo dhiirrigeliyay kooxda oo cabsidoodu aanay sal lahayn, maxaa yeelay intii habeenka lagu jiray Shehrazaad ayaa ku sigatay in ay abeeso ku joogsato. Ugu horreynta banku waa boholo taxan oo Jiir Cad52 degaan u ah. Waa jiir duureed dushu castahay shafkuna cadyahay, Mullah ama Parson53, mulac dub sulub ah leh iyo Dabagaalle. Waa nooc dabagaalle dhuleed ah oo midabkiisu dhalaal ifaya yahay. Markii ay gudcur noqotay ayaa waxaa soo baxay dayax farxad leh oo soo jiitay cida dhurwaayada iyo kuwa ka ag dhow oo ah yayda iyo shimbirka dhebedda. Waxaa si teel teel ah ugu yaacsan dhulkan dhedadu haraysay cutubyo madmadow oo ah geedka lagu magacaabo "Kullan". Waa geedqodaxeed miro la cuno oo oo Gobka54 u eg leh. Ilikuwareertada ugu fog waxaa daboolay dhedo midab qalin ah leh.

Aamusnaan ayaannu cagaha dedejinnay, annaga oo rubi saac walba joogsanayna, si rarka awrta oo dhinac u liicaya aannu u dheellitirno. Markan waxaan helay fursad aan ugu kuurgalo sida Soomaalidu fir ba'ay u tahay. Weheliyeyaashii sadcaalka igu weheliyay waxay la yaabeen awoodda aan buntukha ku sido. Dirqi ayay ku tahay in ay culayska warmahooda uun qaadaan, xataa marka ay fuushanyihiin. Waxay door bidaan in ay ku fariistaan, si ay garbahooda ugu turaan. Mararka qaarkood in ay lugeeyaan ayay dantu ku khasabtaa, maxaa yeelay kooraha ayaa goynaya. Haddana dib ayay u fuulaan, maxaa yeelay lugaha ayaa daalaya. Isku soo duub oo, kuray Ingiriis 14 jir ah ayaa ka sal adkaan lahaa kooda ugu adkaysiga badan. Tani nafaqo xumo ka ma ahan, maxaa yeelay reer magaalaha nolosha wacan ku nooli waa ka sii nugulyihiin badawida ee waa wax fir ah.55 Marka ay daalaan xaruuri aan harraad samir u lahayn ayay noqdaan.Waagan, in kasta oo harraad faro kulul nagu hayay, qarbad biyaysan ah oo saddex aan wadannay ka mid ahaa ayay u dayaceen in uu waddada ku dhaco oo dilaaco, mid labaadna wixii ku jiray intii aannaan joogsan ayaa la cabbay.

Shantii saac ee habeennimo, ka dib markii aan 12 mayl oo oo toos ah soconnay ayaannu banka meel ka degnay. Gayrihii buuraha ayaa dabadeed soo ekaaday, gacanyarayaashaydiina qabow ayay la jarceeyeen. Guuleed Dheere isagu gaar ahaan sidii mummy56 ayuu u togmay. Raage waxa uu aad ugu dooday in aan laga shidin dab goobta aan naal ee hudheelkayaga "Bush Inn"57 tilmaami karta. Laakiin in beebka bul laga siiyo ayaa ahayd lagamamaarmaan socdaal sidaa u dheer dabadi, sidaa awgeed arrinta waa lagu diiday.

Dayaxa hoostiisa markii aannu hurdo wacan lednay ayaan 11 saac ee waaberi hore awrtii rarka ku hilnay. Subaxu curdan ayuu ahaa. Daruur sagal roobaad ah ayaa qorraxdii isku gudubtay, daliigtii badda meesha dheer ka muuqatay ee lafcidhka ahaydna kor ayaa waxaa sidii taag u bilay fallaaraha ilayska, buurihii aan xaggooda u soconnayna hadda waxay muujiyeen biyo dhacyo iyo laalaabyo meel fog ka muuqda. Raxamo Deero ah oo sidii arigii u daaqaya ayaa marka ay na arkeen joogsaday, na soo dammooday oo saymaha cadcad jeediyay, isla markaana rablayn dhaadheer is rogay oo banka ku bootimaalaystay. Dhawr goroyo ah ayaa noo muuqday, laakiin aad ayay u didsanayaayeen oo xataa xabbadu ma haleeli karin. Labadii saac ee habeennimo ayaannu ka gudubnay mid ka mid ah toggaga badan ee oommanahaan isku jara,"Biyo Hablood", hablaha ceelkoodii, waa dix ka soo fusha koofur-galbeed oo bari iyo waqooyi-bari kala aadda. In skasta oo ay oommane ahayd, Maraar waxaa ka buuxay geed miro casaan hurdi-xigeen ah oo miid layiig xabag xagaaran oo kale ahi ka buuxdo, waa la cuni karaa mase wanaagsana (Mareer?), dhirta cosobka ahna waxaa ka muuqday in ay biyo sagxadda ka dhowyihiin.
Abbaaraha laba saac dabadood, markii qorraxdu cadaadis la timi, ayaannu meel biyo leh oo weheliyeyaashaydu Cadaad ama Xabag Cadaadeed58 ku magacaabeen ku furnay - waa meel qiyaastii 25 mayl iyo abbaarta S.W. 225°59 Quraanyaale u jidha.

Salsaarradayadii weylaalisaha lo'aad ahaa ayaannu dhex fidsannay xoon dhuur cagaaran ah oo geed dheer oo Quud ah hoosti ku yaal. Waa geedqodaxeed caleentiisu iftiimayso, kubbado xabag dahabi ah laamihiisa ku dheggenyihiin, hooskiisa miro qallalay daadsanyihiin, ciidammo quraanyo ahna jirriddiisa hore iyo gadaal u gaardinayaan. Dhammaan bataaxa cad ee jiilicsan ayaa la wada seexday, iyaga oo hubkii gacmaha hoostooda ku haysta, maxaa yeelay raadka aan banka dhignay muggan lagu qaldami mayn. Maalinta kala barkeedii ayay bariis noo kariyeen hablihii aanu daalku karin, sagaal saac oo galabnimana safarkeennii ayaannu u sii wadannay xaggii buuraha oo midabkoodii lafcidhka hoosimada leh ahaa ay mrakan xayaabo muuqata oo bunni ah u beddeshay. Hore haddaan u sii guulnay, waxaan gaarnay dixda Barragid (?) oo aan markan bankii uga beddelannay dhul kala rogan oo ay ka buuxaan burburro dad dabargo'ay ka haray. Malaha waa kuwii Al-Markizi u jeeday markii uu qoray in Muslimiinta Awdal ay carriga oo dhan ka taageen masaajid iyo minbarro fara badan oo loogu talo galay Jimcada iyo salaadaha ciidaha. Meelaha lagu cibaadaysto waxay u dhisnaayeen qaab afar darbi oo iska soo hor jeeda ah, dhagax aan la simin oo dhulka la dul dhoobayna ay qiblo nus goobo ah oo Maka u jeedda u tahay. Qabriyada oo ka duwan qaabka tuuran ee hadda jira waxay aad ugu egyihiin kuwii waayadii hore laga qoday jasiiradda Sacaadaddiin ee Zaylac u dhow. Waxay leeyihiin looxyo dhagax ah oo ciidda si qoton dherer ah loo qotomiyay. Waxaa kale oo aannu aragnay dhadhaabbo dalloolo goobaaban oo midkiiba nus dhululubo baac la'egtahay dhexroorku. Waqti aan ku qodo ma aanan helin, Yawmul Qiyaamena wuxuu iiga sheegi karay uun in Awaliin" ama dadyaw hore ay lahaayeen.

Hal saac oo fiidnimo habeenkii galay, ayaannu ku soo dhacnay raad cusub oo col ballaaran oo fardooley Habar Awal ah dhigeen. Sida ay weheliyeyaashaydu u saamaysay"dacasaddu" waxba u ma oga saamayntii raadkii la wada yaqiin ee uu arkay Robinson Crusoe ku reebay. Sawaxankii heestu hal mar ah ayuu shib yiri. Dumarkii awrtii ayay halhaleel u kaxeeyeen, dhammaanna waa la is dugsaday, Raage oo xagga hore iyo carar isu diyaarin tiigsaday mooyee. Aniga oo caro la karaya ayaan wayddiiyay waxa wareemay dadka. Yawmul Qiyaame ayaa dabadeed cod nuxuus ah iigu jawaabay;"Wallee Xaajiyow qof raadkaa arkay balo arag", inta cod argagax ku dheehanyahay u soo xigtaay sadarradan naxdinta leh:

"Aadane waa uun iska xantoobo ciid ah,
Noloshuna waa sida dabayl mar uun ku madhay."

Hubaashii waxaa aannu ahayn koox yar oo sagaal rag ah iyo laba dumar ah, 200 oo fardooley ahna aan u babac dhigi karin. Waxaa taa dheer in hubaal ay dhammaantood, Xammaali iyo Guuleed Dheere mooyee, inta kale ay qacda hore carar oodda jebin lahaayeen. Muggan waxaa noo muuqday raadadka aryo tilmaamaya degmo aagga ka dhow. Cusaybka raadadka waxaa sugay wehelladaydii, fiirin dhab ah oo falaaraha ifaya ee dayaxa loo kaashaday dabadeed. Qiyaastii nus saac ka dib ayay waraqyo qar aan sinnayn iyo degaandegyo qodax adag oo mudacyo ah lehi nagu rideen meel nabdoon oo bankii halista ahaa aan uga rogannay. Waa meel ay dhif tahay in fardoolaydu soo galaan. Raage oo aan"bannaanka" jeclaysan ayaa na dedejiyay, isaga oo rajaynaya i aannu cid uun u galno. Si ay ahaataba, labadii saac ee habeennimo, markii aan arkay dumarkii masaakiinta ahaa oo qodxo ragaadiyeen iyo awrtii oo dhulka isla dhacaysa ayaan go'aansaday in aannu hakanno. Dab ayaan hursannay, in kasta oo aad looga soo horjeeday, dhitadeennii caanaha suusacay ahaanna waa laasannay - biyihii iyaga mar hore ayaa lagu kala tegay e. Dabadeed qabowga bannaanka furan ah ayaan dhinaca dhignay hardo, annagoo hubkeennii haysanna. Laba iyo tobankii saac ee aroornimo ayaannu ka sii fuulnay dhul aan sinnayn oo dhagax ah, iyada oo qodxuhu gommodaha iyo lugaheenna qaawan jeexayaan awrtuna ay ku turaanturroonayso dhagxaan quruurux ah oo dhulkan loo nacay. Badwidii inta dhegaha dhulka ku qabteen ayay dhegaysteen bal wax degmo ah, laakiin waxba ma ayan maqal. Dabadeed, si lamafilaan ah ayaan laba qof oo qalaad ugu soo baxnay, markaana degmo Ciise ah ayaannu haleelnay. Waxay ku tiil waraq dheer oo Damal la yiraahdo, kaa oo salka ku haya dix halow ah oo ballaaran oo buuraha cagtooda hoose dhacda. Waqooyiga ayay bariga ugu shubtaa, waxaana ku hareeraysnaa dhir tigaad leh oo gallayrka bunniga ah, gorgorro madmadow iyo coomaadiyi ay sidii buunshe oo kale ugu baaldhacsanayeen. Waxaannu dabadeed sii daraandoorrinay wadiiqo qalqalloocan oo qiyaastii 11 mayl iyo xagga koofur-galbeed (205°) meel u jirta Cadaad.

Xusuus xanuun badan ayaa halkan dib noogu soo duxday. Illeen qorshe soddon geeddisocod ahaa lix kaliya ayaan bogannay, markii aan toddoba cisho soconnay, maxaa yeelay xagga koofureed ayaan u habawnay!
Sida caadada ka ah Afrikada Bari, iska ma aannaan gelin xerada annaga oo aan na loo oggolaan ee waxaan ku furannay oo aqal ka taagannay geed bannaanka shishe ah hoosti. Haddaa ayay odayaashii oo si deggen u hadlayaa soo muuqdeen, iyaga oo noo sida biyo macaan, caano dhay ah, ido iyo riyo buurbuuran oo ay ku rabeen in ay nooga beddeshaan Go'yaal nooca Cutchka adag ah. Maalin raaxo leh oo bun, beeb, caano dhay ah iyo hilib idaad oo solan laga giigay ayaannu la qaadannay degmadaa . Hanfigii banka dabadi waxaaannu ku raaxaysannay neecawda qabow ee buuraha, cirka daruurta leh, doogga faraqa isa surtay ee kaymaha uu dooggoodu sii labalabalaamayo, marka aad u eegto nagaarka qallaalan ee dhulkii hoose yiil.

Ciisaha oo halkan Gadaabursiga dhex deggani awood badan ku ma laha meesha. Waxaannu ku aragnay caydhnimo iyo yaboohsi xad dhaafay. Ragga duurjoog ayaa lagu soo soocaa marka aad eegto afka kala tegay, timo raamaystay iyo indho fagiigsan oo si fog ugu dhaygagsan bustahayga cas. Sarriigasho darteed, iga ma ayan baryin bustaha. Hase yeeshee, nudihiisa dunta gacanta u roon aha ayay xabbadsiibeen oo faro badan oo xaydh lehina isu dhiibdhiibeen. Markii shay qiime leh la soo bixinayaba aqalka ayaannu ka xiranaynay, laakiin indho kuurgal ah ayaa dalool walba nooga soo dusayay, ilaa markii dambe Yawmul Qiyaame inta is hahyn kari waayay la soo booday"Subaxaanallaah" oo haddana soo qabsaday maahmaahdii Carbeede lahayd"Soomaali ha tusin illinkaaga, haddii uu arkana degdeg uga awd." Dumarka iyo carruurtu waxay xidhnaayeen hargo60 midad bun u eg oo xorta kore farqo ku leh. Si aan u raalli geliyo ayaan dhawr galayr toogtay, markaa ayay iyaga oo ku dheeraysanaya iigu jawaabeen"Alla gacanta kaama gooyo!","Hubkaagu cadow horti kuma hoojo!" Habar i aragtay aniga oo sigaar cabbaya waxay i wayddiisay soo dabku ima gubo. Beebkii ayaan u dhiibay, markaa ayay ku sigatay in ay margato. Waxa kale oo ay ka didday kirli karaya oo ay hub moodaysay. Sida wehelladadaydu ogaadeen ba "saxar garasho ah lagu ma oga taallo madaxyo ah." Sidaa oo ay tahay, dadka gibilkayga cadceeddu gubtay ayay la dhaceen "wajigayga nuuradda cad" la moodana way u qaadan waayeen.

Waxaan aad u rabay in aannu galabnimada sii carrawno, laakiin Raage ayaa cirifka tolki looga baxo soo gaaray oo aan degdegsanayn. Gadaabursiga iyo tolki ayaa aano mageed u dhaxaysay, magan la'aanna dhulkooda ma uu soo geli karin. Habeenkii annaga oo hubaysan ayaannu seexannay, libaax in uu buuraha ka buuxo lagu sheegay awgi. Aqalladeenna ood qodax leh ayaa lagu meegaaray, waa feejinaan aannu halakan ka bilownay dibna aannaan uga aallin e. Diseembar 14 ayaa hiirtii hore daruuro culusi xagga buuraha ka soo ekaadeen oo dhibco shuux ahaana roob baro waawayn isu rogeen. Abbaankayagii cusbaa wali ma iman, raarihii aqalladuna inta roobka ku radeen ayay awrtii aad ugu cuslaadeen.

Galabnimadii ayay degmadii Ciise inta dameerahoodii rarteen xagga banka afka saareen. Geeddigani muuqaalkii deegaanka waxba ka ma beddelin, marka laga reebo qofaf xanuunsan ama sirqoobay oo si cawaannimo ku dheehantahay loogu nacay libaaxyada iyo dhurwaayada.61 Si ay "colujoogyada" laga yaabo in ay meelaha ilaalo ka yihiin u marinhabaabiyaan ayay qoladii geeddiga ahaydi dab qabadsiiyeen qoryo dogobyo ah iyo gaan hiil idaad ah oo xataa iyada oo dhibicdu dhacayso todobaadyo sii hulaaqi doonta62.

Duhurradii ayaa waxaa yimi labadii Gadaabusri ee rabay in ay noogu sii wehel yeelaan degmadii abbaannadayada. Kooda wayn, Riiraash, waa nin gibil madow, bahal la moodo, tuur timo ah leh, oo ay qamuunyo culus oo dabci iyo qalbi wanaaggiisa qarisay ka muuqato. Kan kale wuxuu ahaa wajimacbuus dhallinyaro ah oo inan uu Raage dhalay u doonnayd. Labaduba lafta Mahadasan ayay ka dhasheen, hawshiina waxay ku bilaabeen isku day ay ku adkaysnayaan in ay waddadayadii dhanka bariga fog nooga weeciyaan. Marmarsiiyo waxa ay ka dhigteen in ay xoolahoodu baylah yihiin, ulajeeddada dhabta ahi se waxay ahayd u marmarsood tubaako iyo maryo. Markan si ragannimo leh ayaannu gaashaanka ugu dhignay annaga oo ka gubanayna xusuusta maalmo dayacmay, si kasta oo ay Cabsi63 u sheegaanna waa naga go'nayd in aannu safarkayaga xagga buuraha waqooyi u sii wadanno.
Siddeeddii saac ee maalmeed ayuu safarkii xagga dixda u dhaqaaqay iyo meel degmada dhabarkeeda ku dhow, markii aan muddo saacad ah sii daadegaynaynna Riiraash ayaa noo sheegay in ceel uu meesha ka dhawyahay. Xammaali iyo aniga oo laba qarbad sidanna ayaan baqalahayagii kax qodxo iyo dhagaxyo leh sii taraarsiinnay. Marakan waxaan soo gaarnay waraq dhagax ah oo ay hareereeyeen geedo balanbal ah, gidaarro qaab daran iyo qarar adadag, halkaa oo sallax adag ay ceelashu ka qodanyihiin. Waa saddex ama afar ceelal toban cagood oo dhagax nuuradeed ah hoos qoto dheer uga qodan. Intii aannu durdurka biirta ah ee fargashigaygii qalinka ahaa midabka ka beddelay ku qubaysanaynnay ayuu Riiraash oo gaashaankiisii biyaha ku dhuraya qarbadyadii buuxshay oo koorayaasha ku xiray. Si halhaleel ah ayaannu uga daba tagnay oo qorraxdhacii haleellay safarkii waynaa oo cabsi abbaannadu qabeen darteed meel u degay. Qarka ay dul degeen waxaa ka buuxay masaajid iyo qabuuro gaboobay oo ka markhaati kacaya in waayo hore ay buurahan bulsho culusi degganayd. Figta sare marka loo baxo, waxaa meel fog ka muuqday tirooyin lo' ah iyo kuwo kale oo ari cad sidii dhagaxbaruur buuraha u daadsan ah. Hore ayaannu uga sii kooraysannay oo inta qararkii dhagaxa ahaa sii dhex meermeernay waraq kale ku soo dhacnay, halkaa oo aan wax uun saansaan dadaad ah ugu tagnay. Xoolajire ayaa meel dheer naga qooraansaday, dabadeedna cagaha wax ka deyay, isaga oo aan xoolihii dan ka gelin, taa oo Yawmul Qiyaame gobannimo madaxa la ruxay kana keentay walle Nabigii Alle (n.n.k) run sheeg,"baqdini noocyo badan." Marakan degmo ayaannu galnay, dadkiina dibadda ayay u soo yaaceen, iyaga oo qaarkood leeyihiin, 'dhega! War bal kaalaya boqorrada soo aragnee!'Kuwo kalena, 'kaalaya ninka cad arka, waa barasaabkii Zaylac!' Jagadaas iyada ah waa iska diidnay, masuuliayadda ay xambaarsantahay darteed. Hase yeeshee, wehelladaydii waa ku adkaysteen. Waxay sidaa sahlan ku noqdeen Salaadiin iyo boqorro, midabkaygana hadde meel heerkaa ka hooseysa laga ma fisho. Mar ayay Caddaantayda iyo huga Carbeed iga dhigeen xukumaha Cadmeed, suldaanka Zaylac, wiilka Xaajiga, wiil, habar duqowday, nin rinji cad la mariyay, halyay cambuurbireed qalin ah xiran, ganacsade, xaaji, wadaad xerow ah, Hindigii Axmad ahaa, Turki, Masri, Faransiis (Faranji), Baaniyaal, Shariif, iyo ugu dambayntii Balo Soomaalida in uu nolosha ku cariirsho cirka looga soo riday. Degmo walbaa mala'awaal u gooni ah ayay la imanaysay, male walba na saaxiibbaday waxa ay ku qaabbilayeen qosol aanu gaws ku harayn.

Markii Gadaabursigii baryo tubaako iyo qaylo la yaab ah naga la hari waayay ayaan xabbad ku kala cayriyay. Dumarkii iyo carruurtii dhawaqa naxdinta leh carar ayay dhabarka jeedsheen, raggiina inta warmahoodii madaxa ku dateen ayay shafka dhulka ku wada dhufteen. Haddii aan dixdii sii raacnay, waxaannu soo dhaafnay degmooyin badan oo dadka deggani ay sidii kuwii hore u qaylo badanyihiin. Degmooyinka midkood ayuu nooga soo baxay nin reer Zaylac ah oo noo sheegay in Abbaannadii Gadaabursi ee aannu Sharma'arke xaashida isbarashada uga sidnay ay meel saddex maalmood loo socdo degganyihiin. Waxaase la soo sheegay, si ay ahaataba, in ay diriri ka dhex dhacday iyaga iyo Garaad Aadan, seeddigood. Warkaasi mid fiican ma ahayn! Afrika, marka xaaladahan oo kale ay dhacaan, waxaa caado ah in saaxiibbadu ay socotada xayiraan, cadawguna ku diido in aad u so gasho. Si ku adkaysi leh ayaan hore uga sii fuulnay, ilaa aaskii madoobaaday dayaxiina buuraha fog midab if la yaab leh ah baasha la keenay. Dabadeed joogsi nasiino ayaan ku baaqay. Qarka sare ee dixda Dharkaynley oo loogu magacdaray geed caano kulul leh ayaannu ku furnay. Xero ayaannu isku meegaarnay, si aysan awr didsani noogu tuman inta aannu hurudno. Xero kale oo gooni ah aan se naga fogayn inta ku xeraynay awrtii ayaannu dangiigsiyadeennii la kala baxnay, cashadeennii yarayd cunnay, si degdeg ahna dhinaca dhulka hurdo u dhignay. Maalintaa shan saacadood ayaanu soconnay, hase ahaatee jidka oo qalqallooc ahaa darti, marka xarriiq toosan laga cabbiro, ilaa siddeed mayl ugu badnaan ayaannu soo jarnay.

Hadddana, gacaliye Lumsdenow, maadaama aan dhulkii Ciise ka sii dhammaanayo, tilmaan sawir ah ayaan ka bixin doonaa qabiilka. Ciisaha, oo sida ay ugu dhawdahay ah laanta ugu awoodda wayn ummadda Soomaaliyeed, waxa uu fidsanyahay dhanka waqooyi ilaa degaanka lafta Wayma ee Dankali64 la gaaro, dhanka koofureedna ilaa Gadaabursi iyo inta Zaylac iyo Berbera u dhexaysa, dhanka bari badda ayaa soo xeerta, dhanka waqooyina ilaa Oromada Harar agaheeda ah. Dir iyo Iidoor ayay ku abtirsadaan iyaga oo, haba yaraatee, aan aqoon wax magacyadaa abtirsiiska dhaafsiisan, cadawgooduna waxa ay ku xantaan cawaannimo.65 Qabiillkan oo la sheegay in uu gaaro 100,000 oo gaashaan66 waxa uu u ka la baxaa jilbo badan. Kuwaa ayaa haddana lafo yaryar oo xilliga barwaaqada is dhaca mararna is laaya u sii kala baxa. Ciisuhu afka caaraddiisa uun ayay kaga haybaystaan Ugaas ama beeldaaje fadhigiisu yahay buuraha Hadagali (?), maadaama ay dad jamhuuriyiin dagaalmaagganeyaal aan xasilloonayn ah yihiin. Guud ahaan waxaa loo yaqaan (ugaaska) "Rooble." Amiir Rooble, magacu ama derajada aan iraahdee, kii bayaxayga ahaa ayuu tilmaamaya. Halkan abaartu, sida "cashadii" Yurub, ayay keentaa isbeddelka xukun. Degmo walbaa Oday (sheekh ama beeldaaje) magaciisa degmada loogu magac daro ayay leedahay, sidii Sind67 iyo dhulalka kale ee reer guuraagu degaan. Waxa amarkiisa la raacaa uun marka xukunkiisu boqor bulsho qanciye ah yahay. Mar walba dadkiisa waa ka xoolo badamyahay, mararka qaarkoodna aftahannimada iyo xarragada ayuu dheeryahay. Marka la shirayo waxaa kaalmeeye u ah Waa'il ama Caaqil. Sida shirka Pítzoga Afrikada Koofureed ayaa duqayda da'dooda lagu qaddariyaa. Iyada oo uu xeerkani jiro, badwidu weli ka ma tegin dabeecadihii Priplus68 lagu xusay. Weli "ma ilbixin ma na xakamaysna." Nin walba oo xornimo u dhashay wuxu isku dhereriyaa xukumihiisa, wax ka haybaysasho iyo ka dambayn ah oo xornimadiisa Alle u dhaliyay hoos uga dhigana ma yeelo. Sidaa oo ay tahay, waxaan arkay, in si kasta oo ay seetadheerida ugu jidbaysnyihiin, marka xukun adag sida kan Zaylac iyo Harar ay hoos tagaan ay anshax yeeshaan, amarkana u nuglaadaan.

Dabeecad ahaan, Ciisuhu waa masaakiin carruurta oo kale ah, khaa'inno caqli xun, laabtoodu is rogrogi ogtahay, xaruuri durbaba carooda, maad miiran ah, calool nugul, dhimrin darro iyo dhagarna ku caan baxay. Xataa magangeliyuhu magantiisa waa laynayaa, ragga hablaha Ciise qabana ooryahooda ayay ergo u soo dirsadaan, si ay ari uga soo iibiyaan iyaga oon aan isku aamininin dhexgalka xididkooda. 'Dhagar badanaa ma Ciisaa' ayaa looga maahmaahaa Zaylac oo daku kuu sheegayaan in badwigu uu gacanta bidix gaawe caano ah kaaga dhiibayo tan midigna toorrey kaaga aasayo. Afrikada Bari "Caqli" ma shaqeeyo, sida iiga muuqata, dhabarjabin aad kansho u haysay oo si uun kugu dhaaftayna "shallayto" ayaa laga muujiyaa. Dhacu waa ragannimo, dilkuna mid ba midka uu miriddda habeen kaga xunyahay ayaa geesi bila. Sharafta waxaa ka mid ah ruux qurgooyadi. Sida dhurwaaga oo kale ayaan badwida la isugu hallayn meel dhiig yaal. Muunadi waa uun belo oo dhan ku dhiiqso. Sidaa oo ay tahay, haddana Ciisuhu wanaagyo ayay leeyihiin. Beenlowyo nahaabyo ah ma aha, waana dhif in ay markhaatibeenaale furaan. Xatooyada yar ee aanu dagaal ka dhicin waa yasaan, marka la barbar dhigo Soomaalida kalana waa ka deeqsisanyihiin ka na martigelin wacanyihiin. Qof ahaan, anigu wax aan ka sheegto dadkaa ma jirin. Tuugsadayaal indho adag ayay ahaayeen, laakiin far iyo suul ama sacab tubaako ah ayaannu mar walba ku saaxiibaynnay. Waxa ay iga baryeen in aan iyaga dex dego, ooriyo badanna waa iigu yabooheen.

Badwida Soomaalidu si aan Carabta looga baran ayay si fudud qofka cusub tolka ugu soo daraan. Waxa ay igu yiraahdeen marka aad beryo nala degganaato ayaad naga mid noqon doontaa. Xagga muuqaalka, Ciisaha waxaa Soomaalida kale lagaga soocaa madowga badan, foolxumada qaabdhiska, bidaar da'yar dhalooyinka kaga hoolata, timaha qadaadka xaggiisa sare ka baxana waa ay xiiraan ama, aan iraahdee, toorriyahooda ku hoolaan. Timaha midab cas ayaa lagu aslaa, waana la foogaa oo xayr la marshaa. Wadaaddada ama kuwa wax bartay way iska wada xiiraan, maxaysato mooyaane ciduna timaha sidooda ku ma daysato. Shaaribbada waa la gaabshaa, miiqda geeska shaaribka ka taaganna aayar ayaa la rifaa. Timaha kilkisha oo si qalad ah in ay najaaso yihiinn loogu haystana rifid ayaa lagu jaraa ama addimada ayaa olol la dul marshaa. Indhaha badwidu waa ka yaryaryihiin kuwa reer magaalaha. Sunniyuhu sidii penthouse69 ayay u yaalliin, maadaama ay cadceed xoogan u qaawanyhiin, himbiriirsiga walxo fogfogna u barteen urursanaan iyo awood dheeraad ah ayay leeyihiin. Raggooda qaar qurxo badan ayaan ku dhex arkay, hablaha qaarkoodna qaabab wanwanaagsan oo haddii ayanba qurxoonay soo jiidasho leh ayay lahaayeen.

Hantida dhabta ah ee Ciise waa tirooyin xoolo ah. Sida ay iyaga la tahay, idaha iyo riyuhu waa qalin, lo'duna waa dahab. Geela isaga buur ayayba ku metalaan, waxayna rumasanyihiin, sida Muslimiin badani la qabto, in fardaha dabayl laga abuuray. Quudkoodu xilliga ayuu ku xiranyahay. Xilliga kulaylaha, marka caano iyo qaraab kale aanay jirin, xoolaha ayaa la qashaa oo hilib idaad oo wanaagsan laga helaa. Xilliga maansuunka (xagaaga) raggu waxay ku cayilaa iyaga oo maalintii oo dhan caanaha xoolahooda dhama. Ciisaha caanaha xaggooda laga ma maro, taa oo wax lala yaabo ah. Caanaha lo'da ayay door bidaan, dabadeed kuwa riyaha, dabadeedna kuwa idaha oo ay Carabtu ugu jeceshahay. Kuwa hore dhaydaa lagu dhamaa, labada xigana karuurka, iyada oo kuwa geela xoogaa la yara dhanaaniyo. Reer maagaaluhu caanaha geela dawo ahaan ayay u adeegsadaan. Sida badwidu u haystaan, qofkii cabbitaankaa joogtaysta, hilibkana 44 maalmood oo xiriir ah cuna, neefka xooggiisa oo kale ayuu yeeshaa. Malaha caanayawga kale oo dhan waa ka 'jirmi' yaryihiin aadna u macaan yihiin marka hashu dhasho xoogaa ka dib. Markaa ka dib dhadhanka ayaa ka sii luma, hasha duqda ahna caanaheeda wax ka yalaalugo badani ma jiraan. Soomaalida dhaashtu magaca 'labeen' ayay u yaqaannaan, laakiin ma adeegsadaan oo caanaha intooda kale ayay ku lulaan. Lo'gisi ma leh, caanaha dameeraha ee Tartaarku dhamana waa ka yaqyaqsadaan. Magaca Canoole70 sida Carabta oo kale ayay sharafdhac u haystaan, in aysan maalinta cad lo'dooda maallinna sharaf ayay ka dhigaan.

Nolosha dadkan cawaanta ahi ay ku noolyihiini ayaa dhanujeed71 badday. Nasashadoodu waa wax yar oo shanta saac ee habeennimo ilaa waaberiga ah, dibeddana sinaba u ma seexdaan, colal ay ka baqayaan dartood. In yar ayaa sallaadda subax tukata, sida Muslimiinta laga doonayo, (subaxa) badankiisana waxay ku hawllanyihiin tirinta iyo lisidda xoolahooda. Xoolaha oo dhammaantood magacyo leh ayaa yimaada marka haruubka la la galo, sidaa ayayna reeruhu quraacdoodii kaga maalaan subax wlba. Dabadeed raggii oo warmahoodii sita iyo mararka qaarkood hablaha yayar oo ulo kaliya ku hubaysan ayaa xoolaha daaq geeya. Marwooyinka iyo carruurta oo maleeg ama xargasamayn ku hawllan ayaa iyaguna xoolaha raaca, xaafaddana waxaa looga kala tagaa ilmaha aadka u yaryar, duqayda iyo dadka xanuunsanaya. Xoolajirtu waa iska warwareegaan oo xoolaha korka ayay ka jiraan, iyaga oo wax aan ahayn biyo madow ama takhsiin tubaako adag ah dhadhamin. Mararka qaarkood waxay cayaaraan Shax, Shantarad iyo cayaaro kale oo ay aad uga helaan, iyaga oo loox ka dhigta xarriiqo ay ciidda ka jeexkeexaan iyo qoryo qallallan ama saalo geel oo ay xabbado u adeegsadaan. Saacado badan ayay ku idleeyaan iyada oo korjooge walbaa uu sida ay shaxdu u la muuqato ku dheeraysanayo oo ragganana (ciyaarta) ku qabsanayo, ilaa labadii cayaartoy ay ka noqdaan kuwa ciyaarta xiisaheedu uu ugu yaryahay. Ama si ay hurdada isaga kiciyaan ayay fadhi xoolahooda ugu fooryaan, ama Turumbo (biibiile) dhuumood ah oo badanaa Harar lagu sameeyo oo codkeedu xsdsnto aan loo bogin yahay ayay ku fooryaan. Fiidkii ayay degmadii haddana banaaxinta lo'da iyo qalaadka ariga la bulaantaa. Caanaha geela dhammaantood waa la laastaa, kuwa lo'da iyo arigana in haweenku burcad iyo subag ka bixiyaan ayaa loo dhiteeyaa. Mar kale ayaa la tiriyaa oo xoolaha si ka fiirsi leh habeenka loo xareeyaa. Noloshan iska fudud waxaa weheliya marar ay dhacaan dhalasho iyo guur, ciyaar tumasho iyo duullaan (dhac), cudur iyo dil. Jirrooyinkoodu aad bay u yaryihiin waana kuwo iska fudud.72 Geeridu badanaa waxay ka timaaddaa waran caaraddi, badwiguna sida badan waa cimri dheeraadaa. Waxaan indhaha saaray Mekruubiyaan73 xooggan, caafimaad u dhanyahay, welina aanay ka dhibcin tamartii ay u dhasheen, in kasta oo ay 80 iyo 90 indhaha ka tuureen.

(B) = Burton
(T) = Tarjume

Filo cutubka xiga, buugga oo dhammina waa dhow ayuu soo bixi doonaa ee la socda.

Wixii talo, tusaalayn, sixid iyo xusuusin ah aad ayaa loo soo dhawaynayaa, mahad mug lehna waa laga naqayaa.

Mahadsanidin.

  1. Mukatibku ama dhambaalsiduhu wuxuu Saylac iyo Harar lug uga kala socdaa ugu badnaan shan maalmood. Soomaalidu waxay socdaalkooda ku xisaabsadaan Geeddi, Carabtuna "Xamlah" markiiba qaadan kara afar ilaa shan saacadood. Waaberiga ka hor ayay dhaqaajiyaan, waxayna joogsadaan abbaaraha shanta saac oo subaxnimo, waa xilliga quraacda e. Marka geeddi labaad loo celiyo, sagaalka saac oo maalmeed ayay raraan ilaa gabbalku dhacana waa socdaan. Sidaa ayuu geeddiga dheeraynayaa isku celcelis 15 mayl ku jaraa. Meelaha halistu ka jirto waxay jaraan dhul 26 ama 27 mayl ah, iyada oo aan la joogsan lana nasan. Hase ahaatee,wax aan "nafta macaan" oo lala baqo ka ahayni ma carqaladayn karaan hawshaas. Guud ahaan, laba ama saddex saacadood shaqadood ayaa lagu kaaftoomaa, halka saad badan lehna joogsiyadu waa dhaadheeryihiin oo aad isu xigaan. [B]
  2. Makad waa ugaas ama beeldaaje Oromo ah. [T]
  3. Hees-hawleeddaan tarjumadeedu waa iska qiyaas. Aad ayay u fududaan lahayd in la dhoweewo ama loo haleelo sidii ay ahayd haddii xarafraaceeda la aqoon lahaa. Kollayba si walba oo loo la isugu duwo macnaheedii iyo macaankeedii Soomaaliga ee dhabta ahaa lama keeni karo. – Xog dheeraad ah oo ku saabsan hees hawleedda Soomaalida ee ku saabsan raridda iyo furidda awrta ka akhri qoraallada qiimaha leh ee ay ka mid yihiin Axmad Cali Abokor, Somali Pastoral Worksongs: The Poetic Face of the Politically Powerless (1993, Uppsala University). [T]
  4. Mikaahiilku waa laf Habar Awal ka tirsan oo Berbera agteeda degta oo looga dambeeyo dhiigyacabnimadooda iyo hamuunta ay wax layn u qabaan. Midgaha badankooda ama madiidinnada (magac Cutubka labaad lagu sharraxay) iyaga ayay ku dhex noolyihiin. [B]
  5. Bastoolad lix xabbadood qaada. [T]
  6. Ireland. [T]
  7. Waa tii ugaaskii Xabashidu uu M. Karapf ogaysiiyay in uu Faranjiga jecelyahay innaga se [Ingiriiska] uusan noo dul qaadan karin. Taasi, adiga oo aan meel dheer ka raadin, waa xagga edebta. [B]
  8. Malaha waa Type Genus oo macnaheedu yahay qof waxa ama cidda uu yahay ku bannaan. [T]
  9. Richard Burton, sidii uu saadaaliayay, wuxuu geeriyooday isaga oo qurbe kaga maqan dalkiisii hooyo. Wuxuu sannadkii 1890 ku dhintay Trieste oo ka tirsan dalka Talyaaniga. [T]
  10. Shahrezaad iyo Diinaarzaad waa laba hablood oo ku jira sheekada caanka ah Kow iyo Kun Habeen ee Beershiyadii hore laga soo wariyay. [T]
  11. Waa qaab dumarka Yurub u labbisan jireen oo canbuurka xagga dambe maryo dheeraad ah looga tolo, si qofka qabaa uu qog buuran oo dhex wayn u ugu ekaado. [T]
  12. Camaliyaddan xasaasiga ah waxa ay Carabtu ku magacawdaa Dacasah (halka ay xafladda "Doseh" ka tahay Qaahira). Waxaa guud ahaan Dunida reer Bari badankeeda looga adeegsadaa dawo xanuun iyo daal laga door bidaa Takbiis ama Duugmo, nooca duugidda badanaa ay reer Bari badani yiraahdaan jirka ayay dabcisaa. [B].
  13. Elizabeth Brownnrigg waxay ahayd haweeney Ingiriis dilaa ah oo aad ugu darnayd una jirdili jirtay haweenka shaqaalaha u ah. [T]
  14. Wilaayaati ama Walaayaati waa nooc ka mid ahaa maryahii Yurub (siiba Ingiriiska) laga keeni jiray. Sida Maraykaaniga ayaa bundado duuban lagu keeni jiray, dabadeedna go'yaal, qaydad iyo guntiinooyin laga jaran jiray. [T]
  15. Magaalo gobolka Gujarat ee Hindiya ku taal. [T]
  16. Soomaalidu caadaysi awgi ka ma helaan nooc kale [Surat waa nooc tubaako ah oo Hindiya ka timi, gaar ahaan magaalada dekadda leh ee Surat]. Xataa Latakiyadayda [Tubaako Turki carfoon (Lataakiya waa magaalo xeebeed Galbeedka Siiriya ku taal)] yaqyaqsi ayay ka muujiyeen. Tubaakada waxaa meelaha qaarkood ka beera Gadaabursiga iyo qabiilooyin kale, laakiin waa dhif mana wanaagsana. Shaygaa la'aantii dhib ayay ahaan lahayd in Afrikada Bari dan laga fushado. Nin walbaa sacab ayuu u hoorsanayaa, in badanna dharag caanood ka ma celiso waxa ay filayaan in ay hadiyad u helaan. [B]
  17. Hilib isaga oo cadad waawayn ah la karshay, qorraxda lagu qallajiyay, oo inta haddana cadad yaryar loo sii jarjaray subag lagu shiilay. [B]
  18. Baxr Assal ama Harada Milixa ee Tojorra u dhow waxa ay sanadkiiba dhulka gudaha ah u soo dirtaa kumannaan sallaxyo yar yar oo balballaaran ah oo shaygaan daruurigaa ah. Dhulka gudaha ah marka la joogo badawidu jab milix ah ayay carrabka marshaan inta aanay wax cunin ka hor, ama fud wayn ayay isu dhiidhiibaan. Harar intii dameer qaado waxa ay ka joogtaa addoon qiimihi, Xabashiduna waxay yiraahdaan malyandheerka " waa milix cune". [B]
  19. Biyaha carriga gubanta laga helo waa wiyeer dhanaan. Dalmareenka Afrikaanka ah wax uga daran oo la sheegaa ma jiraan biyaha, inta biir la dhanaanyihiin ayay maaddooyin noolina ka buuxaan. Waxay sababaan shubandhiigyada cilmibaaridda dunida dhankeedan kashifaha uga dhigay sida geedka Upaska [geed sun ah / waabaayo]. Shaandhooyinka jeebka lagu qaato waa lagamamaarmaan. Biyaha ceelasha waa in la karkariyaa oo dhuxul lagu kala miiraa. Xataa markaa ka dib waa in taxaddar ahaan lagu daraa dhowr dhibcood oo cabbitaan aalkolo leh ah. Soomaalidu badanaa waxay biyahooda ku qaataan haamo waawayn oo qabo ah. Anigu sibraarro ayaan waxaan u door biday sida fudud oo loo qaadi karo iyo biyaha oo ayan dhadhankooda beddelayn. [B]
  20. Liiska soo socda ee ku saabsan kharashkii iga baxay waxaa dhici karta in uu dalmareennada iga dambeeya anfaco. Waa se in la ogaadaa in haddii saadka oo dhan Cadan laga soo iibsan lahaa xoolo badan la baajin lahaa: Nooliga Cadan ilaa Saylac lagu maro = 33 Rupee. Hadiyado Saylac loo waday = 100 Rupee. Qiimaha afar baqal, koorayaashadooda iyo lijaammadooda = 225 Rupee. Qiimaha afar rati = 88 Rupee. – Saad (tubaako, bariis, iwm.) saddex bilood ku filan = 428 Rupee. Qiimaha 150 Toob = 357 Rupee. Saggar [?], maro oo suuf aslan ah = 16 Rupee. Kharashyo yaryar - saamo lo'aad oo awrta loo gaday, dermooyin teendhooyinka la dhigo, hadiyado Carabta la siiyo, sanduuq kuulo ah, saddex Go'yaal Xabasheed qurxo badan ah oo ugaasyada loo soo iibshay = 166 Rupee. Kharashyadii ku baxay Bebera iyo ku noqoshadii Cadan = 77 Rupee. Isku gayn guud = 1,490 Rupee oo u dhiganta £149 [Geniga Ingiriiska]. [B]
  21. Boqor Louis XV (Louis Kaanze / 15aad ), boqorkii Faransiiska xukumayay 1723 -1774? [T]
  22. Baastoolad lix xabbadood qaadda. Waa tii uu "Abu Sitta" ku sheegayay. Colt (Koolt) waa shirkad soosaarta hubkaas iyo noocyo kaleba. [T]
  23. Atalantes waa jamaca Atlas oo sheekooyinkii Giriiggii lagu sheegay in uu ahaa nin aad u qaro wayn oo lagu habaaray in uu culaabta samaawaadka dhabarka u rito. Herodotus waa taariikhyahan Giriiggii hore ah. [T]
  24. Arkeediya: Dhul gobolka Peloponnesus ee dalka Giriigga ka mid ah oo lagu yaqaan carro sami iyo nolol miyi oo wanaagsan. [T].
  25. Carabtu "al-Sifr" ama foorida oo ay la xiriiriyaan sheekaysiga jinka waa necebyihiin. Qaar waxay yiraahdaan afka muusikaystahu afartan beri daahir maaha, kuwo kalena in Shaydaanku marka uu qof taabto uu ka keeno codkaa xun. Xijaasiyiinta ayaa Burckhardt kula colloobay in uusan dayn karayn la sheekaysiga shaydaammada oo uu qolka hadba dhinac u socdo sidii wax waalan. Soomaaligu nacaybkaa ka ma qabo. Sida Kaafirka Koofur Africa ayuu maalinta isku dhaafiyaa in uu xoolihiisa u fooriyo. Taa waxaa dheer, baaqyo ayuu sameeyaa isaga oo codka beddelaya, xirfad fiicanna waxa uu u leeyahay in uu cida shimbiraha jilo. [B]
  26. Dhar waayo hore Soomaalidu xiran jirtay oo harag xoolaad ka samaysan. Dadyaw ayaa wali Bariga Afrika xirta hu'ga caynkan ah. [T]
  27. Wadaan: weel harag ka samaysan oo ceelasha biyaha lagaga soo saaro. Xarig dheer oo dawlis la yiraahdo ayaa ku xiriirsan, ugu yaraanna laba qof oo hees shubaaleed isu jiibinaya ayaa isu qabta marka xoolaha, sida geela, la waraabinayo. [T]
  28. Eraygan waxa ay u adeegsadaan dhammaan dadka aan iyaga ahayn. Ganacsade Hindi ah oo Harar tegay ayaa iigu cawday in mar walba ay badawidu Faranji ugu yeeraan, Shaalwarka [surweel Hindi dabacsan oo anqawyada ka dhuuqsan] ama dabagaab uu xirnaa dartiis. [B]
  29. Badanaa wax dhib ah ma leh in badadawidan hortooda wax lagu qoro, waxa kaliya oo ay ka shakiyaan waa wax qoridda. Midkoodna sawirridda wax ka ma yaqaan, kuwa wax bartay mooyaane. Si ay ahaataba se, dalmarku waa in uu iska jiraa marka uu degmooyinka fog fog marayo. Waxa uu la kulmaa Soomaali nolol cawaannimo ku soo laabatay ka dib markii ay gaareen xeebta, Carabiya, iyo sida dhici karta Hindiya ama Masar. [B]
  30. Wax badan ayaan u kuurgalay ducadaan oo lagu akhrinayo cimaamad cusub ama shay kale oo dhar ah; waxaa suuragal ah in looga jeedo xirsixir isha xun lagu la dagaallamayo. [B]
  31. Sindh: Gobol Hindiyadii Ingiriisku gumaysan jiray ka tirsanaa hadda se dalka Baakistaan ka tirsan ah. - [T]
  32. Magaca "Stentor" ayuu adeegsaday Richard Burton. Waa magac loo yiqiin mid ilaahyadii khayaaliga Giriiggii hore oo cod dheeri ku caan ahaa. Wuxuu hummaaggiisu ku jiraa maansada dheer ee "Iliad" lagu magacaabo. [T]
  33. Baal, siiba mid goroyo oo aad u qurxood, ayay degaannada qaarkood raggii hore kuwooda geesinnimada looga dambeeyaa inta timaha firtaan ka taagan jireen. [T]
  34. Xagga Bariga ninka maroodilayska ah ayay tilmaan u tahay. [Sindiyad(o) ama siddiyad: jijin gacanta cududdeeda xagga xusulka ka sarraysa la gashado rag iyo dumarba]. [B]
  35. Sar: gembis saan waafi ah ka samaysan oo marka ratiga rarka loo dhammeeyo dusha looga gembiyo. Kabaallada dushooda ayay sidii teendhada uga kala ridantahay, xarig isdhaafsan ayaa dusha kas ii haya, si aysan dabayshu u bitin. Sarta hoosteeda ayaa meel dad (carruurta iyo waayeelka) iyo xoolaba (maqasha iyo kuwa xanuunsan) fuuli karaan oo guro la yiraahdo laga sameeyaa. [T]
  36. Badawiga waxaa kaga filan in uu muuqaalka guud ee neef fiirsho, mar qura ayuu uun garanayaa nooca uu yahay. Ha se ahaatee, qabiil walbaa dhankaan Bariga Afrika wuxuu leeyahay summaddiisa u gaarka ah. [B]
  37. Dhoor: Wiilasha yaryar marka madaxa laga xiiro ayaa waxaa loo reebaa daliig madaxa bartamihiisna marta timo sidoodii ah oo foodda ilaa jeegada ka siman. "Dhoorre" waa iyada la yiraahdo, inkasta oo erayga macne kalana loo ageedsan karo. Gabdhaha daliigtaa waxaa u dheer wareeg madaxa ku xeeran oo xagga foodda u dheer. "Foodley waa iyaga la yiraahdo! [T]
  38. Kuwo kale oo wax ka qoray waayahaa iyo ka dib ayaa Burton sidaa la qaba. [T]
  39. Dixahaas waxa aan arkayay xilliga jiilaalka uun. Mararka qaarkood karaddu aad ayay u darnaataa oo dhulka bannaan ayay toban ilaa 12 cagood hoos u jeexataa. [B]
  40. Geedka ibtilida qaba ee Qur'aanku sheegay in uu Naarta Jahannama ka baxo oo ehelkeeda lagu quudiyo (Suuradda Dukhaan, Aayadaha 44-46). Waxaa jira dadyaw geedo la yaqaan oo dunida ka baxa ku tilmaama geedkan, mase ahan wax la hubo ama sugan. [T]
  41. Cira'anayskan waxaa dhici karta in uu ka dhashay iyada oo marka caanaha geela dabka la saaro ay sida kuwa lo'da qaarkood u kala go'aan. [B]
  42. "Buuri" marka Koofur Carbeed la joogo waxaa guud ahaan loo yaqaan shiishadda, halkan se waxaa loo adeegsadaa tubaakada. [B]
  43. Hibernian: Irish (Hibernia waa magac kale oo loo yaqaan jasiiradda Ireland). [T]
  44. Tafaaful iyo sixir wax lagu dhagro. [T]
  45. Dulaakh (af dulaakhan): aan ilko lahayn ama qaar maqanyihiin. [T]
  46. Nestor: Warside/qayladhaanshe. [T]
  47. Baabuun: nooc daayeerrada ka mid ah. [T]
  48. "Guban" waa dhulka hoose ee fidsan ee xagga xeebta "Buuralayda" hoosteeda dhaca. "Oogo" oo ah dhulka gurada sare ah ayay ka soo hor jeeddaa. "Ban" waa bannaan cawseed sarreeya oo dhirtu ku yartahay. "Dhir" waa jiqda yare e Carabtu Hayjad ku magacawdo, Kayntuna waa jiq wayn oo dhir badan oo is haysata leh. – "Buur" waa buur, qar, ama kur. Babaca dhagaxa ah ee buurta dhinaceeda ka hoobata waa la yiraahdaa "Jar", dhinacyadiisa sare ee adagina waa "Gebi". [B]
  49. Masasku waa ku dhif magaalooyinka, miyiyada Bariga Afrika se aad ayay ugu badanyihiin. Socotada habeenkii ayay halis daran ku yihiin, in kasta oo aan dharaarta sidaa loo arag. In mas la dilo badawida waxa ay u la simantahay iyada oo Gaal la dilo. Soomaalidu magacyo badan ayay xamaaratada u yaqaannaan. Subxaanyada ama mas-shaabuugga yar iyo maska hurdiga wayn ah ee qararka gala oo Good la yiraahdo cabsi badan laga ma qabo. Abeesada (Carabiga waxaa lagu yiraahdaa Al-xayyah - Kobraha) inta sun ay ka qabto neefka geela ah waa dishaa. Maska ama Xanash iyo kan dheer ee Jilbis lagu magacaabo si isku mid ah ayaa iyagana looga baqaa. Xamaaratada Cir'aanaysyo badan ayaa laga qabaa. Tusaale ahaan; mid ka mid ah geesaha masgeesoolaha waxa uu ku wataa sun halis ah. Kan kale haddii inta la duubto isha la marsado, qofka waxa uu ka dhigaa cabqari siraha adduunkana waa la tusaa. – Waxaa jira mas duula oo luul badan oo boqol waardiye ilaaliso haysta. Farasle Soomaaliyeed ayaa waxaa la yiri hadda ka hor xabbad luul ah ka qaatay, dabadeedna ciidan masas ah ayaa soo cayrsaday. In kasta oo uu tolkii u galay, colkii maalka lahaa lekednimadiisu waxa ay gaartay heer bililiqadoodii loo celiyo. Farabadaneyaasha [Dheertixaniinyo] aad looga ma baqo, suntooda se waxaa laga qaadaa wax halista aad uga sii xifaale badan [qofka uu qaniino xagga dambe ayuu hawo badan oo is daba joogta ka sii daayaa ayaa la yiraahdaa!] Hangaralleyaasha, gaar ahaan kuwa waawayn ee hurdiga ah, xilliga kulaylaha aad ayay u daranyihiin. Xanuunkaa aniga oo waaya aragnimo u leh ayaa ka sheekayn kara. Calaammada koowaad waa dareen yalaalugo [lallabbo] ah, xanuunkuna muddo yar dabadeed wuxuu gaaraa saracda oo dabadeed keenaa barar ay weheliyaan kaar kulul iyo dikaan ilaa 12 saacadood ku haynaya. Soomaalidu halka qaniinta ka sarraysa ayay xirmo ku duubaan oo iska sugaan inta suntu yaraanayso. [B]
  50. Waa la dhuujiyaa marka shil dhaco waxuuna noqdaa dhiig xir heer sare ah. Ha se yeesee, waxaan sadcaale walba oo carrigan imanaya ku la talin lahaa in uu sito pneumatic pump [qalab hawo cakiran ku shaqeeya, sida tan shaagagga baabuurta iwm] oo uusan isku hallayn Sacal, toon iyo Opium midna. [B]
  51. Obbiyam waa nooc maandooriye ah oo dhirta qaarkeed laga bixiyo. [T]
  52. Jiirka ciirada leh Soomaalidu waxa ay ku magacawdaa "Baradublay [bawne?]" Marka Bariga Afrika la joogo ibtiladiisu ma badna, marka loo eego Hindiya iyo Caraabiya oo marka aan illoobo in aan kabaha buudka ah ku seexdo mararka qaarkood aan todobaad la dhutin jiray qaniinyadiisa sunta ah. [B]
  53. Shimbir midabkeedu lafcidh-doogle dhalaalaya yahay oo baal (bar) cad dhuunta ku leh. "Mullah" iyo "parson" labaduba waxay la macne yihiin wadaad. Sababta shimbirtan magacan loogu baxshay ayaa ah iyada oo midabkeedu aad ugu egyahay labbiska waddaaddada masiixiga. [T]
  54. Gob (timir Shiinays.) [T]
  55. Tan waxaa ku beeniyay R.E. Dracke-Brockman oo buuggiisii British Somaliland ( bogga 96) ku qoray sidan : " ma ogi dad u dhigma [Soomaalida] xagga ku socdaalka dhulka qallallan ee oommanaha ah. Awooddooda adkaysi mararka qaarkood waa wax aad loo la yaabo. [GW]
  56. Mayd qallalan oo muddo badan yiil, sida kuwii Masaaridii hore ka haray. [T]
  57. Hoteel Miyi (xifaale ahaan). [T]
  58. Dhawr nooc oo quraca ka mid ah ayaa bixiya xabagta oo badawidu si hamuun leh u cunaan, si ay ugu tamaraystaan. Reer magaaluhu waxay sheegaan in cunnadani ayan wax aan dibbiro ahayn kordhin. [B]
  59. Koofur Galbeed 225°, cabbirka fogaanta iyo barta goobtu dhacdo. [T]
  60. Harguhu dhar qaali ah ayay ahaayeen intaan maryaha dunta ahi soo gaarin carriga. Dharka haragga laga sameeyo Dhuu ayaa lagu magacaabaa, xilligan la joogana meelo Afrikada Bari ka tirsan ayuu ku dambeeyaa. [T]
  61. Falkan cawaannimada ah waxaa guud ahaan lagu la kacaa marka cudurka furuqu uu meel ka dillaaco oo isqaadsiin laga baqo. [B]
  62. Xikmadda ku jirta in hiisha la gubo marka xerada laga guuro ma ahan in col lagu marin habaabiyo kaliya ee waa in meesha laga guuray qaniintu ka dhimato, dhulkuna gubadka ka dib naq u soo saaro. [T]
  63. Cabsi - Halis, waa eray ka walwaliya Sadcaalaha Dhulka Soomaaliyeed. [B]
  64. Cafar. [T]
  65. Diin la'aan. [T]
  66. Ragga hubqaadka ah kaliya. [T]
  67. Carri taariikh dheer leh oo hadda ka tirsan dalka Baakistaan. Webiga Induska Hoose ayuu dhacaa. Sannadkii 1843 ayuu gumaysigii Ingiriiska Hindiya qabsaday, 1947 ayuu ka mid noqday Baakistaan. [T]
  68. Periplus of the Erythrean Sea, waa qormo badmaaxyadii Giriiggii hore mid ka mid ahaa oo xeebaha Soomaaliyeed maray ilaa waaganna aan magaciisii la hubin uu qoray abbaaraha qarnigii 1aad ee Miilaadiga, sida loo badinayo. [T]
  69. Nooc guryaha Galbeedka ka mid ah (fillo gembis). [T]
  70. Labbaan ama Caanoole(y) waa qofka caanaha ka ganacsada. [T]
  71. Qaabnololeed aan isbedbeddelin oo maalin walba isku si uun u yaal. [T]
  72. Cudurka ugu khatarsani waa furuqa oo taariikh ahaan lagu xariiriryo in uu Bariga Xabasha ka soo jeedo, halkaa oo uu wali mararka qaarkood si xun uga dillaco kumannaanna galaafto. Dhibbanuhu haddii uu qof la qaddariyo yahay dhulka ciidda ah ayaa la dhigaa oo bariid iyo muufo daafi lagu quudiyaa, ilaa uu ama ka kaco ama u dhinto. Jadeecada ayaa iyana carruur badan laysa, waxaana lagu daweeyaa iyada oo dhiig idaad oo cusub loogu mayro, haraggana la huwiyo oo qorraxda loo dhigo. Qaac iyo cadceed, uskag iyo dukhsi, dabaylo qabow iyo addimmo qaaqaawan ayay daaf iyo indho xanuus ka qaadaan, gaar ahaan xagga buuralayda. Cudurkan cidina u ma indho beesho marka reer magaalaha laga reebo, wax daawo ahna loo ma yaqaan. Axaldhiigga waxaa lagu daweeyaa bariis iyo caano dhanaan [ciir]. Waxa kale oo dadka qabaa ay cabbaan subag lo'aad oo sixin ah, xaaladaha daranna caloosha ayaa laga gubaa. "Dab iyo cudur isku meel ma galaan", sida Soomaalidu qabto. Baabasiirka marka aanu dillaacin waxaa lagu neefiyaa qori sidii sabboosadii loo adeegsado habeen dhanna meesha loo daayo [xagga dambe]. Mararka qaarkood meesha xanuunsan gees iyo mindi ayaa lagu toobaa ama dhakhtar culaaculle ayaa sara. Cunnada loo cunaa waa hilib iyo caano geel ama ari, sixin iyo timir Basra, bariis iyo hilib idaadna feejignaan ayaa looga fogaadaa. Cudur meesha ka jira ayaa waxay ku daweeyaan Jaleelo ama Carmo. Jirka waxay ku dhaashaan salfar subag lagu karkarshay qorraxdana waa u dhigaan. Ama dhibbanaha dhedada ayaa habeenkii oo dhan la joojiyaa, ka caagganaan [galmo] iyo dhididbax ayaa se guud ahaan daweeya. Noociisa sahlan, dhibbanaha bari idaad oo la shiilay ayuu cabbaa. Qaaxada waa la kala dhaxlaa waxaana loo haystaa in aan la dawayn karin. Haddii aan adeegsado oraahda Soomaalida, qofka qaba waxa ay ku yiraahdaan 'Alle ha kuu naxariisto' ee ku ma yiraahdaan ' Alle ha ku caafiyo!' Waxaa jira dhakhaatiir siro sahlan ku daweeya nabarrada. Guud ahaan dhiigga waa laga tuujiyaa, meesha biyo ayaa lagu mayraa, dacallada ayaa la isku tolaa, waxaana lagu dhayaa caleemo meesha isu keena. Jajabka kabay ayay ku xiraan, murgacashooyinkana waa toosiyaan. [B]
  73. Macrobians: waxaa la oran jiray dad la sheegay in ay Jasiiradyarada Soomaaliyeed (Somali Peninsula) ku noolaan jireen abbaaraha qarnigii 1aad ee Miilaadiga. Waxaa lagu sheegay dad aad u qurxoonaa oo aad dhaadheeraa una xoogag waawaynaa. Ilaa 120 sano iyo ka badan ayaa qaarkood cimri ku gaari jiray. Waxaa wax ka qoray oo laga weriyay taariikhyahankii Herodotus ee Giriiggii hore ahaa. [T]

Cutubkii 6aad: Kuraha Zaylac ilaa Bancawseedka Marar

Hadda ayaan gacaliye L(umsdenow) ka baxay aagga hore ee gubanta si aan ugu baxo oogadada, waa halka ay ku soo ekaadaan silsiladda burralayda Itoobiya ee marka ay ka kacaan Tajorre dabadeed qoolaab u hareereeyaan marsada Zaylac, markaana Hargeysa kaga soo dhaca xagga silsiladda buuraha ah ee dacalka ku haysa xeebta Soomaaliyeed. Silsiladdan waxaa deggennaa taariikhda la xasuusanyahay saddex dadyow oo kala duwan. Gaalla (Oromo), Muslimiintii hore ee Adal (Awdal) iyo Soomaalida hadda jirta. Si ay ahaataba se, sida caadada ka ah Bariga, ma leh magacyo guud1. Buurahani waa qurxoonyihiin. Ruuggooda hoose ee aan qaabka wacnayni wuxuu ka koobanyahay dhagaxdixeed ay ka fulaan xididdo dhagaxmacdaneed ah iyo mooseyaal dhagaxbaruur kan ugu saafisan ah. Waxaa ka korreeya dhaaracyo dhagaxciideed iyo malaas isa saaran ah oo midabbadu dhankan casaan, xaggoona hurdi ama dameeri dahsoon yihiin. Aalaa, si la yaab leh ayay u marmaroora, ciiddii dhirtu ku bixi lahaydna dabaylo maansuun xooggan ah ayaa ka qaaday. Taagaggan oo badanaa fiiqyada kore muddullo figuhu goobo yihiin uga eg waxaa ku xiriirsan qarar iyo kooralay ay noocyo kala duwan oo guracyo ahi midabdaloolo iyo gacaar wiiqan ay sidii geedihii Saytuunka2 ee buurihii Provence3 ku yiil ugu hareeyeen. Xilliga qaboobaha waa abaar reerguuraaguna waxay uga guuraan oo u degtaan xagga gubanta. Marka roobka maansuunku naq cagaaran ka soo saaro ayay dadku ku soo laabtaan xeryahoodii ay hore uga guureen. Qararku waa muuqaalka ugu ilqabadka badan ee meeshani leedahay. Meelaha qaarkood dhinacyadu qotton ayay u taaganyihiin, sidii derbiyo waawayn, ballacana waxay gaaraan 100 yaardi ilaa mayl barki. Meelo kale gebiyada dhagxaanta soo taagtaagan ee salka ka qodmay ayaa sagxadda hoose tuuran, sida looga bartayna daliig dheer oo ciid cad ah ayaa laba jaamood oo doogga hulmanka emarool u eg ayaa dhexdooda fidsan. Waa muuqaal u ku doogsado aragga isha soo martay dhagaxmadowgii qallaylka guban ahaa ee Carabiyada Koofureed.

Geedka Gobka ayaa wuxuu kor ugu baxaa heer hoobaan Afrikaan jilaysa. Laamihiisa caleemaha leh dhexdooda ayaa shimbiro, sida nooca Salamadhlaha, midabbadooda baxsani casaan ifaya, hurdi iyo cagaar is labarogaya yihiin hadba dhan u duulayaan. Waxaan ka aqoonsaday nooc dib dheer oo Goobiyahan ama Fad la yiraahdo, nooc qoolley midab bunni rasan oo in yaroo hurdi casaan galay ahi ku daadsantahay leh, Shimbirmalabta dhexdhexaadka ah, Digiriiran, Yaryaro midabka Kaanneriga leh, Baalfalaadh sida kuwii Surinam u qurxoon, Xamarre baabul midab alxan u eg leh, iyo gaar ahaan, nooc indho cadcad leh oo Soomaalidu Shimbir Lo'aad ku magacaabaan. Geedsaaq Carmo caleemo waawayn oo dhacaan la dibbirsan midakooduna isugu jiro doog dhadsan, guduud, ama casaan furan iyo rucubyo miro ah oo sidii canab basali ah u eg ayaa togga xaradh silloon ku dhigay. Noocyo badan oo tiin qaarkood dherarka 30 ila 35 cagood4 kor u baxo ayaa iyaguna ka buuxa meesha. Midkood ayaa si gooni ah la iiga warramay. Soomaalida caamada ahi waxay ku magacaabaan Gawracato kuwa xoogaa wax bartayna Shajarat al-Zaquum5. Waa mandrake-ga carrigan, doobbooyinkiisa kuukuusan ee laamihiisa cacayilan dhakada sare kaga yaalna waxay u egyihiin madaxyo iyo wajiyo dad.

Maalin arbacaad, 15kii Diseembar, ka dib habeen inta uu dhedo ka qabo dharkeennii qoyay ayaannu 12 saac oo aroornimo kaakacnay bilownay in aannu Waadiga Dharkaynlay ee inta bari ka yimaada koofur qabta kor u raacno. Socod saacad ah dabadi ayaa waxaa soo muuqday qabri taallatiirriyaad yar leh oo dhagxaantiisu aanay sinnayn oo Siyaaro ama Mazaar la yiraahdo, kaa oo qof walbaa si uu u karaameeyo uu qori saaray. Abbaanku wuxuu fikraddiisii ku sheegay in Awliyo ama rag karaamaysani ay halkaa waa degeen, laakiin Yowmul Qiyaame ayaa si caqli kaashatay u sheegay in meeshu ay ahayd meel Gaalla hore sanam ku caabudi jirtay ama curraafaysi uun iska ah. Haddana waxaannu soo gaarnay dudumooyin Aboor cad dhisay, muuqaal Afrika dhankeedaan caan ka ah. Halkan dhulku wuxuu u egyahay sidii qabuuro Turki oo ciiddaa ka badan, waxaana la mooddaa magaalo burburtay. Meelaha qaarkood udbaha (dudumooyinku) waxay isugu dhoonmeen sidii wax gaaguur shinniyeed u eg, meelo kalena waxay isugu baxeen sidii daashkii6. Isla markaa, badankkooda waxaa deday dhir, geedsaaqa midabbada qayaxan leh ee ku dhafmayna waxaa la moodaa haraadiga fagaare dooggu simay. Guud ahaan dudumooyinku waxa ay leeyihiin qaab kor u dhuuban oo 4 ilaa 12 cagood dhererka u dhexeeya. Boqollaal ayaa laga tiriyaa carrigan, Soomaaliduna waxay tiradan badan u saareen iyada oo cayayaanku godadka ka guuro xilliga abaarta dabadeedna uu mid kale dhismaheed bilaabo.

Dudumooyinkii hore ee duqoobay dabayl iyo roob ay u dheeryihiin bawne iyo dabagaalle hoosta ka qoday ayaa xalleefyo sii xoodmaya ka soo reebay. Samayska oo dirri habaas hurdi ah oo celyada aboorku isku malaastay ah ayay adagtahay in la jebshaa. Waxaa sidii shabaq uga dulduleela shax dhuumo yaryar leh. Dudumooyinkaa Togga Dharkaynle ayaan markii iigu horreysay ku arkay. Xagga carriga gudaha ah way ka waawaynyihiin kana balballaranyihiin kuwa degaannada xeebta.

Dixdii ayaannu kor iyo jiho koofureed u sii raacnay ilaa labadii saac ee subaxnimo, markaa oo hageyaashii naga saareen godantii hoose. Waxay fisheen in ay muggaa Gadaabursi is haleelaan, baqdintii ay la dhadeenna waxaa u weheliyay iyaga oo qarqaryo iyo gaajo la gariirayey. Wadatashi xasaasi ah ayaa gorodda la is gashaday. Nin Cali la yiraahdo, naynaastiisuna 'Dhuuso' ahayd oo maaddaama cunno, cabbid iyo in uu dabka kulaalo mooyee aan waxba kale qaban ayaa go'aansaday in uu naga goosto. Si ay ahaataba se, maadaama uu maro khidmo u qaatay bareerahaas si qayaxan ayaannu ugu diidnay. Markii aannu muddo laba saacadood ah ku jirnay dhul inta uu meermeer ka qabo wax saddex mayl ka badan aannaan jarin ayaa hageyaashayadii geed xero laga guuray u dhaw hoosti ku nasiyeen, meel lagu magacaabo Ceel Carmo ama xifaale ahaan Dabadhalaashay (?) Marka Damal laga qiyaas qaato waxay dhacdaa S.W. 190° (Koofur Galbeed 190 darajo). Badwidayadii mid ka mid ah oo baqal fuushan ayaa hore ciribta ugu sii dhuftay, si uu xog u soo ururiyo sibraar biyo ahna noogu soo dhaansho. Yawmul Qiyaame ayaan wayddiiyay warka ay filayaan. Wuxuu iigu jawaabay maahmaahda ah 'War waa nolol!' Bedwida Soomaalidu xiise badan ayay u hayaan waxa dunida ka socda. Degaannadan aadka cidlada u ah dadka oo dhammi socotada ayay daba dudaan. Qof socoto ahi degmo ma dhaafo isaga oo aan waranka dhulka ku mudan oo aan jawaab u helin su'aalo badan oo xogwaraysi ah. Intii xogi dhaafi lahayd badwigu xataa dumar waa uu waraysanayaa. Sidaa ayaa warku meel walba ku gaaraa. Gadaabursiga reer miyiga ah waxaa xiise u lahaa dagaalkii Ruushka7, Hararna waxaan ka maqlay duufaan xooggan oo Marsada Bombey maraakiib ku burburisay, se warku waa dhawr todobaad dhacdada dabadeed.

Badawigii sibraar maran buu la soo laabtay, wuxuu se waday qorshe dhan. Waxaan wax kaaga sheegi doonaa, gacaliye L(umsdenoow), shir ay tahay i uu ka markhatikaco tiraabta ah in barbariyiinta oo dhammi ay wada aftahanno yihiin. Demosthenes8 aayarki ayuu daabbaddii ka degayaa, hore ayuu u soo dhaqaayayaa, xoogaa ayuu inta lugaha is dhaafsado istaagayaa, waa habka istaag loogu jecelyahay dhulkan e, isaga oo labada gacmood laba waran oo dhulka mudan ku cuskan. Sidaa ayuu kadaloob ugu dhacayaa, dhinacyada dadammoonayaa, candhuuf tufanayaa, taqsiinta tubaakada ah dhagta dabadeeda gashanayaa, hubkiisa horta dhiganayaa, dhenged yar qaadanayaa, oo dhulka inta xarriiqo ka jeexjeexo haddana aayar u masaxayaa. Dhulka in xarriiqo laga jeexo nuqsi ayaandarro leh ayaa loo haystaa. Dhegaystayaashu qoolaab furan ayay dheg raaricis u fariistaan, iyadoo warmahoodii oo dhulka qoton u mudanina caaradahooda cadcad giraanno ilays cillan ahi ka walac leeyahiin. Dhulka ayay wada kadaloob u fariistaan oo indho u eg in ay shafafka kaga yaallaanna toos wajigiisa ugu eegayaan ninka warramaya, iyaga oo ka qooraansanaya gaashammadooda dushooda, sidii qoomkii Blemmyes9. Markii warka in la dhuuxo diyaar loo noqdo ayuu ninka hormuudka u ahi waraysanayaa.

'Maxaa aad war haysaa?'

Warramihii ayaa horta uga bilaabaya arrinta muhiimka ah ee in uu ceelkii isa sii taagay ah. Sidaan soo socotana waa ugu xijinayaa, isaga oo mararka qaarkood codka ilaa lix nudood kor ugu dheeraysanya, si joogto ahna dhulka hortiisa ah u jugaynaya.

'War wanaagsan, Ilaah idanki!' ayuu kaga jawaabayaa su'aashaa hore.

'Waa sidaa!' ayay dhegaysteyaashu kaga guraan, iyaga oo codadka kala beddelaya ama, aan iraahdee, giisaya.

'Waa anigii saaka faraskaygii kooraystay.'
'Waa sidaa!'
'Waa anigii aniga oo ka dhakoola idin ka tegay.'
'Waa sidaa!'
'Halkaa!' (isaga oo cod dheer oo xooggan ku tilmaamaya, jihadana ul ku fiiqaya).
'Waa sidaa!'
'Halkaa waa anigii qabtay.'
'Waa sidaa!'
'Kaynta ayaan sii dhex jibaaxay.'
'Waa sidaa!'
'Cammuudii ayaan sii dhex waarwaarriyay.'
'Waa sidaa!'
'Hadde innaba baqdini igu ma jirto e ogaada!'
'Waa sidaa!'
'War yaanan kugu daaline, raadad xoolaad baan ku soo baxay.'
'Hoy! Hoy!! Hoy!!!' (aammus yar ayaa ka dambeeya la yaabkan dhegataagga leh).
'Waa ay qoyanaayeen (raadadku waa cusbaayeen).'
'Waa sidaa!'
'Digaduna sidoo kale.'
'Waa sidaa!'
'Raad haween baan ka dhex aqoonsaday.'
'Waa sidaa!'
' Geel se lagu ma arag.'
'Waa sidaa!'
'Ugu dambayn waxaan arkay qoryo.'
'Waa sidaa!'
'Dhagaxyo haddana'
'Waa Sidaa!'
"Haddana biyo"
"Waa sidaa"
'Oo waa ceel meeshu!!!'

Dabadeed shirkii ayaa si qummaan u furmaya, halkaa oo, sida Galbeedka durugsan ka dhacda, uu is muuijiyo inuu dhagaystayaasha dhagahooda qabsado ugu yaraan saacad, isaga oo aan wax la taaban karo oran. Si ay ahaataba, faa'iidada ku jirta hadal iska koobintoodu waa in arrinta dhan walba laga eego oo la kala waro waxa dhaca iyo waxa ka dhalan kara, hordhacyadeeda, xaqiiqooyinkeeda iyo waxa ka iman kara timaaddada intaba.

Waxay diyaar u yihiin in ay xal u helaan lamafilaan walba oo talo la'aani ku kedin karto.Inkasta oo kulbeeggu10 sheegayay kulayl diraaceed, cirku daruur ayuu lahaa, gufaacooyin dabaylo ahina xagga buuraha ayay ka soo dhacayeen.

Ugu dambayntii, sagaal saac iyo bar markii ay saacadda galabnimo ahayd ayaa awrtayadii cagajiid lagu raray, dixdii aan ku joognay oo Galbeed Koofur-Galbeed uga baydhana hore cagta u sii saarnay. Saacad badhkeed markii la socday ayaannu soo gaarnay dooxo laasas leh. Halkaa ayay hageyaashii ku hakayiyeen, iyaga oo ka aalli waayay markii ay u jeedeen koox dhallinyaro iyo kurayo yaryar ah oo qubaysanaya, go'yaashoodiina mayranaya. Dhammaan, dad iyo duunyaba harraad ayay asqo la ahaayeen. In badan oo naga mid ahina quruurux ayaannu muudsanaynnay subixii oo dhan11. Sidaa oo ay ahayd, haddana, baqdin ay baryo Tubaako ka qabeen darteed ayay badawidu safarka sii wadi lahaayeen, haddii aanan anigu ku dirqin in ay goobtaa ku furaan. saddex laas oo ciidda ka qodan ayaannu halkaa ugu tagnay. Midi waa guray, midina waa biiroobay, kan saddexaadna xagaf biyo ah oo 20 ilaa 25 cagood dhulka hoostiisa jira ayuu lahaa. Inan ayaa biyaha dhex istaagay oo inta hadba gorof soo daro mid kale oo meel dhexe ku naban u soo tuuraya, kan dambe ayaa isaguna mid ka sarreeya u sii dhiibaya, kaa kale ayaa isaguna markiisa inta uu qarka ka dhufto biyihii oo markaan qaybi qubatay qabaal harag ah oo darka yaal ku shubaa. Saacad barkeed muddo ku dhow ayaannu hakannay si aan dad iyo duunyaba u waraabinno, dabadeedna safarkeennii ayaannu waadigii kor u sii qaadnay oo kaga bayrnay meel qoorato toosan ah oo qalqallooca joogtada ah ee dooxada lagaga maarmo. Qooratadaasi waqti yar uun bay noo baajisay. Dhulku dhagax ayuu ahaa, taagag aan sinnayn ayaa awrtii daaliyey, lugaha iyo cagahana waxaa na jeexjeexay qodxaha dhirta ee warmaha la moodo. Halkan dhulka waxaa aad uga baxay dacar mararka qaarkood dhererka lix cagood gaadha, midabkuna basali iyo cagaar dahsoon yahay. Laamuhu si qurxoon ayay xagga dhulka ugu soo gandoodaan, sidii udbihii Corinthians12, iyaga oo hagoogan gambaleello midabo baxsan leh, ay se si naxariis darro ah uga buuxaan qodxo adadag iyo caleemo dhinacydu miishaar yihiin. Waa halka ay ka baxdo Xigta mudaceedu adayg iyo caarad dhubbnaan inta uu ka qabo aanay farduhu mari karin, iyada cutubyo kuwooda ugu waawawyn uguna cufan u qodqotoma. Jaleelo ayaa iyaduna gowyada si aan loo meel dayin ugu yaacsan, Ushriga qarada wayn ama Dhufeeco (Suuf Jin) ayaa isaguna xaygiisa dhadhaabta iyo quruuruxa togga daadsan dushooda ku qubay. Gacanyareyaashaydii waxay shaqo ka dhigteen soo ururunta abqo la cuno oo geed Qurac la yiraahdo ka baxda, intii aan aniguna deegaanka daawanayay. Dudumooyin aan kala go' lahayn ayaa meel agabbar ah u ekaysiinaya sidii dhul la degganyahay oo wali masaajiddii iyo qabuurihii Awdashii hore ay cammireen. Qaabka dhulku si aayar aayar ah ayuu isu beddelay, godeenno iyo hoobadyo waawayn ayaa markan beddela taaggaggii madaxdhuubta isku xoonsan ahaa ee gobollada hoose.

Qorraxdu markii ay galbeed ku libidhay ayuu Guuleed Dheere aad uga cawday dhaxanta qabow ee kuraha ka soo dhacaysay. Tuulooyin badan oo aad ku garato cida eyda iyo aryaha sii foofaya ayaannu soo marnay. Raagihii caraysnaa, oo si ay ahaataba hadda singal na la socda noqday, isagu degmana ma aadin libaaxyada bannnaanka joogana ma dhex degin. Hore ayuu noo sii tukhaantukhiyay ilaa aan ka soo gaarnay bohol God lagu magacaabo oo aannu kaga hoyannay jabad laga guuray. Awrtayadii oo caq ku dhow aadna ugu daalay siddeed mayl oo geeddi ah ayaa halkaa si dedeg ah rarka loogaga dhigay. Intii aannu aqalka dhisanaynnay ayaa waxaa nala soo wareegay dhowr Gadaabursi ah oo isku deyay in ay Abbaankayaga qafaashaan, iyaga oo ku andacoonaya in ay neef lo' ah ku leeyihiin. Waxaannu si geesinnimo leh ugu jawaabnay in uu hadda annaga magan noo yahay. Haddii ay hadallo kulkulul nagu la dheeraysteenna bastoolad ayaa dushooda laga riday, taa oo ay dabadeed sidii eydii uga gabbaddeen. Dab belalaya, casho kulul, sariiro diirran, abxado waawayn oo buuxa iyo sheekooyin maad leh ayaa si dhakhso leh himmaddii saffarraydayada ee sii liicaysay dib u soo nooleeyay. Habeen qumman markii ay u hoobatay ayuu dayaxii kala firdhiyay ceeryaamo culus oo inta daruur isugu ururtay roob ka dhowaa, gabadanadiina si la dareemi karo u yaraatay. Dhedo yar ayaa jirtay, si wanaagsanna waannu u seexan lahayn haddii dameerahayagii gaajaysnaa ayan sidoodii rablayn iyo baabbacayn isku darin oo ilaa waaberigiina is cayrsan lahayn.

Diseembar 6 ayaannu arooryo dambe toosnay, si aannu dhaxanta subax uga nabadgalno. Hal saac oo subaxnimo ayaannu dhul adag ku sii daynnay annaga oo quuddaraynay in aannu waraqyada hoose subaaxaa sare uga baxno. Laba mayl markii aannu sii xamaaranaynnay ayaa awrtii oo socod holi wayday shafka dhulka la wada dhacday. Dabadeedna annaga oo aan rabin ayaannu ku furnay Jiyaf (?), godan dooxada Dhoobo ka hoseeysa. Halakan xoolo caddaankoodu buuraha firirsanyahay iyo haad hawada heehaabaysa ayaa noo muujiyay ifefaalaha ah in aannu degmo ku dhawnahay. Aqalkayagii waxaa dhakhsaba soo buuxshay Gadabuursi wajiyadu sulub yihiin oo badankoodu ahaa lo'jir, sida dhaqanka bulshadoodu dhigayo, go'yaashoodii sidii cimaammad luqumaha ku martay. In aan degmadooda soo booqanno ayay naga baryeen, waxayna noo ballanqaadeen in ay neef lo' ah naga siinayaan liibaaxii walba ee aannu Buurta Libaaxlay ku dilno. Waa ka xumayn in aannaan wakhti u hayn. Dhallinyaradaa waxaa ku xigay rag iyo dumar waday caano oo kaxaynayay ido iyo riyo maaddaama cawsku gabaabsi ahaa ay iib cirmar ah ku doonayeen. Waxay ku doonayeen 18 baac oo maro Cutch ah neefkii ido ah, qarshashada subagga ahna laba (baac) oo maro suufka lafcidhka ah. Waxaa ku jiray dadkaa waji qurxux dhab ah leh kii ugu horreeyay ee aan carriga Soomaaliyeed ku arko. Madaxa si wacan ayaa loo abuuray, si xallad lehna loogu qotomiyay luqun dheer oo dhuuban iyo garbo isu dhow. Timaha, sunniyaha iyo sanka laga ma sheekayn karo. Indhuhu waa dugul madow oo qaab qaanso u xaglinaya, wajiguna waa dabacsanaan miskiinnimo xad-dhaaf ahi ka muuqato oo xoogaa bushimo waawayni Afrikaan daartay. Midabkeedu dhab ahaan soo jiidasho ayuu lahaa. Waa maarriin tikh ah oo dhulalkan falaaddo ka leh, laafyaheeduna waxay lahaayeen qurux tilmaamaysa addimo si fiican isugu dheellitiran. Miskiinta hu'geedu waa uun gambo timaha gadaal u haysa, maro si qaab daran laabta ugu dedan iyo googarad dhuu ah oo aan qornaan qumman u kordhin. Waxyaalaha ay isku qurxinaysaa iyaguna sidaa wax ma dhaamin. Sindiyad iyo dhego macdan ah oo tumaal sameeyay, kuul dhoob cad ka samaysan iyo xayn xirsiyo maqaar fasakhmay oo madoobaaday ku tolan wax uma dheerayn.

Quruxdeeda si aan u xuso ayaa waxaan siiyay maryo, tubaako iyo wax yar oo milix si dedeg u qaaliyoobaysay ahayd. Saygeedu waa ag taagnaa, in kasta oo ka heliddeeda la muujiyayna caro amase hinnaase midkoodna ma aanu muujin. Waxay ku abaalgudday in ay caano noo keento ambabaxa subixii dambana naga kaalmayso.

Habeennimadii ayaannu saddex rati oo hor leh kiraysannay13, si ay alaabada taagga kore noogu sii qaadaan. Waxaan kale oo dilannay ugaar kalaankalkeeda loo bogay. Yawmul Qiyaame ayaa ku adkaystay in uu xabbad kor u rido, si uu libaaxyada gurxankooda aan habeenka laga ladi karin aan se marnaba la arag ugu didiyo.

Qabowgii subaxa ayaa aad u soo batay, ilaa laba saac oo subaxnimo la gaarayna ma aannaan dhaqaaqin. Qiyaas ahaan saacad barkeed markii aannu dooxada kor u sii raacnay oo aannu ku soo dhacnay karin babacyo dooggan oo hal irrid ah loo maro meel buuraha dhexdooda ah ayaannnu kaga leexannay meermeer dhex mara toon xiran, geed qodxeed iyo dhadhaabbo qara waawayn leh dhanka bidix. Derbiyada qarka ka soo hor jeeda waxay ahaayeen kuwo aad u qotommo dhaadheer, meelaha qaarqkoodna waxay ku lahaayeen dhaaracyo lakabyo isa saaran ah, meelo kalena waa sibsib adag oo biyadhac iyo badowlaho masaxeen. Maaddadda ugu badan ee ay meeshu ka samaysantahay waxay ahayd dhagaxdixeed adayg iyo qalafsanaan inta uu ka qabo ay dhagaxdhuxul baaliyoobay, dhagaxbaruur iyo dhagaxmacdaneedku ay cadad qof suulki lale'eg u kala daateen. Jajabka dhagaxmacdaneedka ah oo milicda ka dhex bidhbidhaamaya ah iyo dhagaxciidyo kala duwan ayaa iyaguna meel walba tuuran. Wadadddu dhib bay nagu markaday, awrtuna mar walba rarka waa dheelliyaysay. Waxaan ka fursan waayay in aan baqalkaygii ka dego, markii aan dhulka salka dhignayna waxaa qaniinyo nagu boobay nooc quraanyo waawayn madmadow oo dhulkan ka buuxda ah14.

Markii aannu kala badh waddadii kor u sii tafnay ayaannu u tagnay laba taallotiirriyaad oo qabriyo ah. Qorisaarkeennii ayaan ku biirinnay, sida Soomaaliga wanaagsani yeelo. Laba saacadood iyo shaqo culus dabadood ayaannu dabadeed u baxnay fig calaan ah, saacad kalena waxaannu joognay sallaha bannaan ee buuraha dushooda ah. Halkani waa aagga marxaladda labaad laga galo ee dhulka Bariga Afrika15. Gadaashayada waxaa dhacda gubantii oo dirqi nooqu muuqata, dhulka godanta ah ee buurta ruuggeeda dhacaana waa balaarranyahay, dhulka sii hoose ee baaxadda waynna ceeryaamo ayaa qarisay. Oogada naga horreysa waa dhul aad u baaxad wayn oo dalidhacyo taxan ah, marka xagga galbeedkana loo aadana xoogaa kor u yara kacsan. Midabku waa ciiro dhir teel ahi ku taal, kalarog walba oo kax ahna hoostiisa waxaa mara durdur biyamareen dhagax ah oo xagga koofur-galbeed waqooyi-bari ugu shuba.

Dhulkan waxaa aad uga baxa dacar tiro badan oo isku murugsan, qodax qallafsan iyo geedo waabay16 cukan ah. Waa khasab in mar meeshan dad deggenaa . Qabuuro iyo guryo Muslimiin hore lahaayeen ayaa burburkoodii buuraha iyo qararka daadsanyahay. Abbaarihii duhurka ayaannu soo gaarnay kob Qabri Kaafir la yiraahdo. Waa meel ay ku hareeraysanyihiin dhagxyo aan qaab lahayn oo afargeesyo dhinaciiba 100 yaardi dherer la'egyahay ah. Sheeko waxaa lagu hayaa in nin Misr la oran jiray oo ugaas Gaallaad (Oromo) ahaa uu markii uu sii dhimanayay amray in meesha todoba goor laga buuxiyo halo geel oo axankiisa ah. Halkani waa marxallada afaraad, marka waddada tooska ah ee Zaylac ka baxda ee Harar qabata lagu yimaado. Toban maalmood ayaa sidaa nagaga tegay, biyo iyo caws la'aanina waxa ay na badeen inaan gaadiidkeenna u baqno. Awrtu dirqi ayay ku dhaqaaqaysay laf-dhabarta baqalkayguna koore Carbeedka ayay hoostiisa ka soo mutuxantay. Sidaa ayaa jiilaalku17 wax yeelaa carrigan. Waa xilliga ugu xun ee Afrikada Bari la safro.

Todobadii saac ee duhurnimo ayaannu geed Daray ah oo isaga iyo togga ku hareeraysanba ugaas Gaallo oo 'Halimalah' la yiraahdo loogu magac daray hoostiisa ku furnay. Kayntaan duqowday kala bar oo bar in ka badan ayaa qallashay, dhawr jirridood oo oo geedokaraamayn darteed aan cidi qaadin ah ayaa dhulka leged u daadsan. Jirridda ama jirridaha laamaha leh dushooda waxaa ku xardhan calaamado ay si qoto dheer uga jeexeen duul hore, laanta waynna waaga ay jirtay iyo duqowga ayaa hul dallaallimo ah oo koox rag ah qaadda ka yeelay. Geedkan barakaysani, sida ay Soomaalidu u haysato, wuxuu ahaa meel uu ku cibaadaysato gaalku, karaamadiisii horena wali ka ma ay tegin. Halkan, Ugaaska Gadaabursi oo malaha xusaya fididda qabiiladu xagga galbeed u sii ekaanayso ayaa isaga oo duub cadi madaxa sunniyaha dushooda ugjoogo farasna ku jooga xagga Dooxada Xarawo uga fulay, si uu goobjoog uga ahaado dhoollatus cayaareed oo halkaa ka dhacayay. Maaddaama qof walba oo meeshaa maraa uu booqdo geedka Xaliimaale, burcadda Ciisaha Waqooyi iyo Jibriil Abokor (laf Habar Awal ka tirsan) ayaa joogto ugu kulma, sadcaaluhuna wuxa uu waddada maraa isaga oo baqdin la jarcaynaya. Beeggu wuxuu cabbirayay taag sare oo 3350 cagood ah. Hooska qabow ee geedka hoostiisu waxay cimmiladu i xasuusisay Koofurta Talyaaniga oo xilli dayreed ku jirta. Waxaan arkay butter-cup oo maqlay Geedagaraac (Dhawdhawle) jirridaha hulan gaawinaya. Waxaan xasuus ugu noqday kaymihii furnaa ee Ingiriiska. Abbaanka iyo raggiisii waxay ku adkaysteen in galabta la socdo, laakiin caafimaadkayga waxaa wax u dhimay biyihii xumaa ee xeebta, awrtuna daal ayay la il darnaayeen.

Haddaba, sidaa ayaannu awrtii kirada ahaa ku fasaxnay, alaabadyadiina jabad laga guuray ku daadguraysannay, oo inta dab shidannay si aan habeenkaa si fiican u nasannay. Badwidii oo dhaxan la qarqaraya ololka ayay kulaalid macaan agtiisii u soo yaxoobsadeen si raggii mayalka adkaa ee Iglan weligood aysan waligood dab u kulaalin. Wajiyada ayay iska uugaariyeen, gacmaha halaamacoodsadeen, oo duudadka iska dubeen, iyaga oo si wayn ugu bogaya. Haddana lugaha ayay ololka dhex haadiyeen, si ay si bisqinta oo xilligan si aad ah ugu baxda isaga gamaariyaan. Yawmul Qiyaame oo ka faanaya ayaa shaydaammo ku masleeyay, isaga oo soo qabsaday maahmaahdii carbeed ee ahayd 'Alle ma barakayn nin sulub ah iyo naag dhogor leh midna!'

Diseembar 8, laba saac oo subaxnimo, ayaannu aayar Togga Xaliimaale oo sagxaddiisa dibirka ah ay quruurux dhagaxmacdaneed iyo dhagaxbaruur ah oo buuraha ka soo hoobtay la bidhbidhayso kor u raacnay. Geedaha dhammaantood qodax ayay leeyihiin, marka Labiga iyo Asclepias laga reebo. Gobtu si ugbaad ah ayay xirar ishaysta ugu baxdaa. Laamaheeda qallallan haweenku waxay u adeegsadaan in ay timaha ku uunsadaan, Qadiga oo geed sidii Qaanaqubta18 kulligi mudacyo taagtaagan lehina badwidu waxay ka goostaan daababka gudimaha. Waxaa la i tusay Cobol xabag la cuno leh iyo nooc Quraca ka mid ah oo halkan Galool looga yaqaan. Diirkiisu dharka asal guduudan ayuu ku reebaa, qodaxdiisuna waxay bixisaa cambuul marka ay curdanka yar ee jilicsan tahay Soomaalidu cunto, marka ay duqoydo se qori sidii jooska u kakan noqota.

Abbaarihii saddex saac oo subaxnimo ayaannu ka gudubnay Cabaso Yar, dix qarar dhaadheer oo dibir adag ah leh, dandaanno waawayn oo dilindillaysina ay ka buuxaan. Inta ka baxnay (toggii) ayaannu kor ula sii meermeernay karin qodax leh oo buuraha sare dhexdooda ah oo kaaniyaallo waawayn ka buuxaan iyo xatabado maxdin ah oo sidii jaranjartii u samaysan. Halkan waxaa ka muuqday dhowr qabri oo Gadaabursi ku aasnaa, taallooyin dhagxaan yaryar oo ood ama xayndaab dhismihiisu iska fududyahay ay ku meegaaranyihiin. Kan dambe (oo xayndaabka ah) looxyo dhagax ah ayaa laga dhisay wax aad mooddo guryaha caruurtu dhisto marka ay ciyaarayso, si loogu muujiyo inta reer ee qofka dhintay uu ka tegay. Qabriga cusub waxaa lagu gartaa gorofyada a dabada dhuuban ee usha qabriga madaxiisa ka taagan sursuran. Geed u dhow meesha waxaa lagu tuuray gogoshii ninka dhintay maydkiisa qurigiisii aakhiro lagu keenay, meel aan sidaa u fogaynna waxaa yaal dhardhaarradii madoobaaday ee axanka lagu karshay. Shan saac oo subaxnimo ayaannu Cabaso Wayn gaarnay. Waa dix balacceedu ilaa 100 yaardi la'egyahay oo ugbaad wanaagsani uu teelteel uga baxo, ugaar Garanuug la yiraahdaana dhoobantahay. Biyashubkeedu wuxuu galbeed iyo koofur-galbeed ugu shubaa bari iyo waqooyi-bari, sida waddankan ay alaaba tahay. Duhurradii ayaannu degnay, markii aannu siddeed mayl ka soo soconnay Geedkii Barakaysnaa (Xaliimaale).

Sagaal saac iyo bar galabnimo markii ay ahayd ayaannu inta rar ku celinay Dooxada Cabasood hore u sii raacnay. Waa meeshii ugu bilicda samayd carriga ee aannu ilaa iyo hadda aragnay. Si ay ahaataba, in dad carriga joogo waxaa ka markhaati kacay laamo laga jaray dhir qodax leh oo sagxadda togga xannibay. Waxa kale oo aannu garannay raadadka libaaxyo ugaarsato ku joogto iyo xarriiqaha is daba jooga ah ee xamaaratada oo mararka qaarkood ballaca shan inji dhexroorku gaaro. Fiidkii markii loo dhowaa ayay kooxdayadii baqdin is duuduubeen, iyaga oo ismoodsiiyay inay warmo geedaha dhexdooda galac leh arkeen. Dareenkoodii waan iska dhayalsaday, subaxii dambe se waxa uu ka wareegay in ay dhabta u dhowayd toodu. Qorrax soo bixii ayaannu la kulannay xoolajire dhagaxa noogu dhaartay19 in uu caano uu tubaako naga siisto noo keenayo. Markanna, haddii aannu shan mayl soo soconaynnay, waxaannu ku hakannay jabad cidla' ah oo dixda qarkeeda bidix ku yiil. Daruuro ayaa kuraha dushooda sagal madow isugu gedaamay, gufaaco xoogan oo roob maagganinna waxay digniin nagu siisay in aannaan la daahin dhismaga guriga. Dab wayn ayaa la beleliyay, dhowr xabbadood oo libaaxyada carrigan buuxa lagu didiyana waa la riday. Laba goor ayaa intii habeenka lagu jiray ay awrtayadii didday oo ooddii xerada dhexdeeda carar wareegaalaysatay.

Diseembar 9, subax sabti ah ayaan goor dambe dhaqaaqay, aniga oo ay i weheliyaan Riiraash iyo Yawmul Qiyaame, si aan u booqdo burburro ka durugsan jidka tooska ah. Saacad markii aannu sii fuushanayn ayaannu Dooxada Cabbaso ka leexannay oo galnay godeen buuraha dhexdooda ah oo 16 mayl qiyaastii u jira Geedka Barakaysan (Xalimaale). Halkani waa meesha ay ku taallo Darbiya Qoola (Qalcaddii Qoola) oo lagu magacaabay boqorad Gaalla ahayd. Waxaa la sheegaa in magaaladan iyo tan deriskeeda ah ee Aw Buuba ay sidii bisadihii Kilkenny20 u dagaallameen, ilaa labadoodiiba 'riiqmeen'. Gadaabursigu waxay dhacdadaa ku qiyaaseen waagii abuullankood ay weli xeebta Buulaxaar degganaayeen, qiyaastii 300 oo sano ka hor. Haddii taariikhdaasi saxantahay, burburrada baaxadda lehi hardan badan ayay waayaha la galeen. Guryo burburkood ayaa dhulka filiqsan, ceelal si wanaagsan loo dhisayna qashin ayaa buuxiyay. Qasrigii oo derbiyadiisu ka samaysanyihiin dhagax iyo dhoobo qoryo ku dhafanyihiin ah ayaa la ii tilmaamamy. Masjidku waa guri wayn oo aan saqaf lahay oo 12 tiir oo afargeesyo farsamo silloon ahi hayaan, Mixraabkana waxaa muujinaya aargo xoodan oo dhismaheedu iska roonyahay. Hase ahaatee, codkii Mu'addinku waligiba waa juuq gabay, haddana geedsaar ayaa isku marmaray masjidka burburay. Muuqaalka meeshu waliba sidii qabriga ayuu u liitay. Dhul dhererku mayl iyo bar jeedo ayaa dhammaan burbur halkan ah, burbur xaggoo ah iyo burbur kale uun ahaa meel walba.

Magaaladan dhimatay haddaanu ka tagnay, xagga koofur-galbeed ayaanu uga fuulnay karin laba buurood oo adadag dhexdood ka baxa oo tan ugu bilicda san Wanauli (?) lagu magacaabo. Sida caadi ahaanba ay qodax miiran u yihiin, geedka dheer ee 'Waadhiga' wuxuu bixiyaa xabag loo adeegsado maryo aslidda, caleemaha Wumbaha (Qumbaha?) ee ugbaadka ahna waxaa laga helaa waxa dermaha ugu wanaagsan laga sameeyo, (Cawda ka sokow). Dhulka waxaa ka muuqdey ubaxa buluugga ah ee 'Manka' ama 'Himbah (?)' Waa geedgaab bataati u eg oo bixiyaa miro tufaax midab baxsan leh ah oo iniino midab bunni ah oo aanay Soomaalidu cunin leh. Weheliyeyaashadu waxay i dhadhansiiyeen xoogaa miraha Karir-ka (?)ee midab iyo dhadhanba canabka cas uga eg, caleemaha waxaa loo adeegsadaa dhayidda boogaha.

Dusha haddaanu gebi kor ugu baxnay, xoogaa ayaan is dul taagnay si aan muuqaalka foolkayaga ah u indha'indhaynno. Hoostayada waxaa goglanaa bannaan sanaag dheer oo caws ah. Maxay baqalahayagu muuqaalkaa ku farxi lahaayeen! Markii iigu horreysay Afrika, fardo ayaa ii muuqday si xor ah duurka u daaqaya. Meel xoogaa yara durugsan waxaa dhaca togga Aylonda (?) oo qabuuro la buurbuuran dhirna la madow. Shishadiisa waxa waran Togga Harawo, godeen dheer oo ilikuwareerdhay jaaha guud buuxiya. Musduleedku wuxuu ahaa siman kuro bulug ah leh. Waa aagga labaad ee Harar loo maro, figteeda sarena waxaa ishu qabato galbeed soo xeeray xarriiq dahabi ah oo Bancawseedkii Marar ah. Durba waxaan bilaabay in aan dareemo yoolkii safarkayga.

Duhurradii markay ahayd oo aannu xero ay subaxii Abbaanadanadii Gadaabursi xoolayawgoodii ka soofsheen gaarnay ayaannu geed hoostii fariisannay, imanshahayagiina bastoolad kaga baaqnay. Muggan duqaydii ayaa soo baxay oo saaxiibkoodii hore, Yawmul Qiyaame, marti sharaf ahaan u soo dhoweeyay. Wuxuu aad uga waraystay muranka la sheegay in uu u dhaxeeyo Abbaannada iyo seeddigood Garaad Aadan. Markii uu hubsaday in ay kutirikuteen Soomaaliyeed tahay ayuu madaxa gilgilay oo si xarrago leh u yiri, "Wixii Aadane naga xiro Allaa fura!" Waxaan isku bogaadinnay ka runsheegidda ulajeeddooyinkayaga, waa qodob Muslimiinta dhexdooda guul lagu gaaro e. Dabadeedna annaga oo suuragalka hoosaasin kale aan moogayn ayaannu nin faras ku jooga u dirnay Abbaannadii. Haddana rag hubaysan ayaa inta noo soo baxay na wayddiiyay in aannu nahay Safarkii awrtu u rarnayd ee xalay togga kor u soo hayay. Markii aannu haa ku jawaabnay ayay iyaga oo qosol ku jawaabaya qireen in col laba iyo toban nin oo fardooley ahi nagu la raad joogeen weerar kaftan ah. Sidani waa isboorti badawidu ka helaan, marka socdaalahu baqdin muujiyana waa looga dhabeeyaa. Mar ayaa saffarray ganacsato Carbeed ah oo aan garanayn 'waxa maddooda' laba Soomaali ah toogteen. Qabiiladu garsoor waxay ku gaareen in aan martida dambi la saarin. Si kasta ba ha ahaatee, waa ay ganaaxeen oo dhawr yaardi oo maryo ah ayaa reeririhii laga dhintay la siiyay. Si aan aabigaa ugu jawaabo ayaan bastoolad iyaga oo aanay martigeliyeyaashaydii cusbaa iska jirin madaxyadooda ka dul riday, sidaana ku af jaray argagaxintoodii caatada ahayd, aniga oo doonaya in aan kaftankooda dhabta ah ee mustaqbalka dhiciseeyo.

Geed hooskii ayaannu maalintaa ku idlaysannay. Awrtii oo labadaydii cagayare ay soo hoggaansheen haweenkii oo ay qiyaastii siddeed saacadood ku qaadatay in ay masaafada soo jaraanna ilaa qorrax dhacii la gaaray ma iman. Baqdin aannu libaax ka qabno ayaannu xeradii dhexdeeda degnay;carruurta ooyaysa, marwooyinka wax canaananaya, xoolaha gurdamaya, eyda ciyaysa, dakhsi, shilin, qurun iyo cariiriba ha iska ahaatee. Hadda ayaan isku deyi doonaa in aan bal qeexo sida degmo u egtahay Bariga Afrika.

Reero ama degmo waa saf aqallo firirsan bannaannada qodaxdu ku yartahay, subaacu dhif yahay, colalna aan laga filayn. Xagga buuraha waxaa ku wareegsan xero adag, si aysan xooluhu u baxsan. Marka baqdin la qabo waa la laba'oodaa oo la saddex oodaa. Sidaa oo ay tahay, libaaxu mararka qaarkood wuu u dhacaa, haramacadkuna isaga oo neefka afka ku sita ayuu hal booddo kaga baxaa. Xeradu badanaa waxay leedahay afar illin oo habeenkii oodafooyin isa saaran lagu qooyo. Gudaha xayndaabyo cilimmo ah ayaa lagu kala qoqobaa xerooyin kale oo xoolaha noocyadooda kala duwan lagu xareeyo. Mararka qaarkood waxaa jira xero gooni ah oo xayndaabka kore ku qabsan oo geela loo qoondeeyay, badanaana bartamaha xerawaynta ayaa lagu xareeyaa. Fardaha oo meesiga ugu qiimaha badan ah iyaga gooni ayaa loo soocaa, ninka leh aqalkiisa ayaana lagu ag dabraa, hooso yar oo nagaar iyo qoryo ka dhisanna ruqada meesiyada ayaa kulaylka milicda iyo dhaxanta habeenkii lagaga gabbaadiyaa.

Guryaha gembisyada ah si haldhaaf ah ayaa xayndaadka shishe dhexdiisa looga dhisaa, aqallo nusgoobo ah oo buul shinniyeed duqoobay u eg, qiyaastana shan cagood oo dherer ah, lix inji oo dhexroor ah iyo 12 inji oo balac ah la'eg. Degaannada kulul waaba ka sii yaryaryihiin intaa, laakiin ballacoodu waa kordhaa marka oogada sare ay cimiladu mid aan wanaagsanayn ka dhigto. Waxa uu ka samaysanyahay waa qalfoof 'dhigo' ama ulo la goday oo dab lagu adkeeyay ah. Si aqalka loo dhiso, kuwaa ayaa dhulka laga mudaa oo xargo la isku la qabtaa, dabadeedna raar laba nooc ah ayaa la huwiyaa. Cawsku wuxuuuu ka koobanyahay xidhmooyin yaryar oo si wanaagsan loo xiriiriyay, waa adagyahay xanafna ma leh. Kebeddu waxay leedahay gan dhaadheer, waxaana loo adeegsadaa dangiigsi iyo waliba ded sare. Halka iridda ah ee hore waxaa gala mid ka mid agabkaas oo sidii daaha noqda. Xilliyada dabayluhu dhacayaan saamo ayaa dhalada aqalka lagu fidiyaa, mararka qaarkoodna ciid ayaa bannaanka la tuuraa si ay roobka iyo dabaysha u moosto. Maacuuntu sida aqalka ayay iska fududdahay. Saddex dhardhaar iyo god waa jikadii oo carruurta, waxaraha iyo nayluhu ay ag seexdaan. Maaddaama aanay shawladda qiiqa saartaa jirin, gudaha aqalku qaac ayuu la madoobaadaa. Waylaalisaha maalintii meel sare ayaa la suraa, sidaa oo kale hubka iyo agabka kale ee jiirka iyo aboorku wax u dhimaan dhagaatiyo iyo xargo ayaa barbar lala suraa. Sharraxaadda ugu mudani waa xeerooyin kuulo, aleelo iyo suuman asal ilqabad leh lagu mardaaddiyay. Agabka dhoobka ah maddaama aan halkan laga aqoon, Badwidu xididka saafkiisa ayay qaabab kala duwan u tolaan oo shay biyo celiya ka dhigaan, inta asalka diirka geed kale oo la tumay mariyaan. Haantu waa weel waynoo qabo ka samaysan oo inta saab la gesho socdaallada biyaha loogu saato. Gorofku (eray 'ghurfah'da Carabiga laga keenay) waa weel daba dhuuban oo loo adeegsado in ceelka biyaha lagaga soo dhuro. Dhiisha caanuhu waxay u samaysantahay sidii laba hdhuub oo dhexda ay isaga hayaan suuman dhinacyada ka baxa, kan kore ee yar ayaa haruub iyo koobba u taagan. Ugu dambaynna Weesada, ama ubbada, waxaa lagu shubtaa sahayda biyood iyo weesada sadcaalaha. Marka xerada laga guurayo aqalka iyo agabka waxaa lagu raraa awrta, oodda iyo digadana mararka qaarkood dab ayaa la qabadsiiyaa, si meesha loo nadiifiyo oo qaniinta looga dilo, cadowgana loo dago. Dhulka oo dhan xirmooyin goobaaban oo wada hiil madow ama ood qodax leh oo deegaamayn xooggan muujinaya ayaa buuraha dhinacyadooda dhafan. Socotadu mar walba jabad laga guuray ayay daydaan, nabadgelyadooda awgeed. Diidmo isdabajoog ah ayaan ka keenay doorashada meelahaa oo kale, maxaa yeelay habeenkiina waa cayayaan badanyihiin, maalintiina waa goobo dakhsi xoonsanyahay. Tan keli ah ee la iga yeelay waxay ahayd in xero cusub xayndaabka xeryaha xolaad ee dadka badani deggenyahay lagu qabto.

Diseembar 10 ayaannu hakannay: biyaha wiyeerka ah, qorraxda duhur ee heerkulka 107° gaarayso iyo dhaxan subaxeedda 51° isku celceliskeedu yahay ayaa si daran caafimaadkayga wax ugu dhimay. Dadwaynihii oo dhan ayaa isu soo baxay, iyaga oo aqalkii taaloogyo liicliicaya iyo wajiyo dhaygagsan ku madoobeeyay, si ay ii arkaan. Gadaabursiga oo ardaallo edboon ahi waa ay ka cudurdaarteen soo gellidda oodataraarka ah. Rag, dumar iyo carruur waa soo dhoobteen, iyaga oo caano, subag iyo hilib sida. Dhawr duqayda ka mid ah ayaa xusuustay in ay igu arkeen Berbera21, gashaantiyo indho nuxuus ah leh oo aan xishood ku jirinna waxay ku adkaysteen bal in ay martiga cad daddammoodaan. Markii aannu nasiino kifaaxnay ayaan maalintii dambe ku dhaqaaqay 'aniga oo xashaashaya'si aan u soo indha'indheeyo burburrada Aw Buuba. Markii aannu dhul dhagax ah muddo sii fuushannayn ayaanuu dhul caws leh oo teedka buuraha ah ka hoseeya soo galnay, dabadeedna waa degennay, si aannu u booqanno burburkii Sheekh Aw Buube. Wuxa uu ku aasanyahay dahar yar dhalo dhuuban oo jaajuur, dhoobo, iyo qoryo dhismahii Zaylac u eg ah. Qurub qurub ayuu u sii kala daadanayaa (daharku), masjidka ku qabsan oo wax badan saqaf la'aanna dhir jabaq khushuucsan neecayda fudud ee macaan la jagagac leh ayaa ku baxday. Haddii ay albaab cilin ah ama ba dalool xaluusheen, hageyaashaydii Gadabuursi waxa ay ii tuseen wax ka dhalaalaya dhigta aargada iridda isheeda. Sida ay u ifayso daraadeed, qalin ayay u maleeyeen, Yawmul Qiyaamena halkaa qorshe xabaalo qufasho ah ayuu ku faqay, si loo bililiqaysto waxaa ifaya. Makhsinka dhexdiisa oo saddex qabri oo faaruq u saansaan ekaa ayaa ku yiil, sagxadda godan ee mugdiga ahna dhawr dhagaxyo gamgamuuxan ah oo kubbado kanooni la moodo oo Soomaalida reer magaalaha ahi ay dhagax miisaan u adeegsato ayaa daadsan. Dabadeed didib dhaqaxciideed ballaaran oo goobtii dagaalka ah, sida ka muuqatana qoobkii baqlaha iyo farduhu fadallo ka bixiyeen ayaannu u sii dhaqaaqnay. Halkan oo hageyaashayadu ii sheegeen in ay waagii hore dhul jilicsan oo wax ka baxaan ahayd waxaa ka dhacay dirirtii waynayd ee Aw Buube iyo Darbiya Qoola. Masjid kale oo darbiyadiisu aanay sidaa u sii burbursanayn se isaguna sida meesha oo dhan saqaf la' ayaa laga helay. Guuleed Dheere ayaa inta jaranjaro jaban minnaaradda afargees ah ugu baxay ku dhuftay aadaan badoweed kii ugu jaahilsanaa. Qalfoofyadii guryaha haddii aanu dhaafnay, shaqadayadii subaxaa waxaannu ku gebagebaynnay booqasho aanu ku tagnay qabuuraha waawayn. Sida ka muuqata lafo Muslin ku ma aasna meesha: waa safaf dhaadheer oo dhagxyo galbeed u jeedda ah, (qabuuruha) midkoodna waxaa ku lixaamadan sibir adag oo qarkiisa si qurux leh loodhoobay ay saaxiibbadayda jaahillada ahi qoraal mucjiso ah ka heleen (kajan). Waxaan maqlay magaalo kale oo Cammuud la yiraahdo oo buuraha ku dhow ku taal, mase booqan iyada. Meelahaa dhammaantood waa degaanno Gaalla ka haray oo sida jaahilnimada iyo buunbuuninta Soomaalidu sheegayso 'qoraallo' iyo dhismeyaal waawayn la ciiraya.

Markii aannu gurigii ku soo noqonnay, waxaan u nimi badawiyayadii Gadabuursi oo si wacan u yeeriddayadii u soo ajiibay. Lixdii wiil ee ugaaskii la yiqiin ee Cali Cadde ee saddexda bahood kala ahaa; waa Buux, Cige, Khayrre, Nuur, Ismaaciil, iyo Yoonis e, ayaa dhammaantood markii aan faraskii ka degay ii soo baxay oo gacan saaxiibtinnimo igu salaamay, guryahoodiina igu soo dhoweeyay. Marka laga reebo kan ugu horreeya oo nin xooggan oo ugu yaraan afartanjir ah, walaaluhu waxay ahaayeen dhallinyaro qurqurxoon oo midab maarriin furan ah leh, qaabdhismeed isu dheellitiran iyo lixaad wanaagsanna ka muuqdo. Gurigayga ayay soo galeen markii loo amray, se in ay wax cunaan waa ay diideen, iyaga oo ku cudurdaartay in ay meesha soodhowayn uun u yimaadeen ee ayan cunno doonayn. Warqaddii Xaaji Sharma'arke ee isbarridda ahayd ayaa kor loogu akhriyay, iyaga oo aad ugu faraxsan, codsigooda dartina mar labaad iyo saddexaadba akhris loogu naqay. Dabadeed, markii aan labadii Abbaan, Raage iyo Riiraash, xig hadiyado ah ku fasaxay ayaan warqad ammaan ah ka qoray oo Xaajigii u sii dhiibay, aniga oo ku ammaaneeyay dad safar Zaylac u socda la noqonayay, ka dib markii ay badeeco dhulka gudaha ah geeyeen. Intii ayan tegin, casuumad tabtii waagii Homer u qalanta ayaa meesha ka dhacday. Wan ayaa la qowracay, uurkujirtii ayaa laga saaray, oo inta mid digsiyadannadii waawaynaa ka mid ah lagu tuuray muddo saacad ah looga leefay. Hilibkii naftu ka qoyannayd waxaa lagu dejiyay cantuugooyin waawayn oo caano ah. Dadkii casuumadda cunay sidii dadkii Wadsworth ee 'midkiiba afartan cirkood lahaa' ayay u ekaadeen. Bidixda inta hilibka ku qabsadaan oo ilkaha surtaan ayay toorrey dheer oo si daran afka ugu dhaw ugu cadgoosantaan, se samankoodu waa dhaadheeryihiin afafkooduna hore u ma soo taagna. Intii la cuntaynayay dakhsi ayaan meesha uga cararay oo geed aan jeclaa ka fuulay. Halakan, markii Yawmul Qiyaame arkay in aan weli xanuunsanyo ayuu wuxuu ku adkaystay in aan dawo Soomaali isku dayo. Laba qori oo qallallan ayuu soo jabsaday, koodii gaabnaa ayuu dhexda ka faray, kii dheeraana waa uu qoray, labadii ayuu isku taagay inta xoogaa ciid ah ku firdhiyay. Dabadeed, 'qorigii dheddig'22 ayuu cagta saaray, kii kalana calaacalaha ayuu ku xurbiyay, ilaa qaac iyo gamaar ay keeneen. Dabadeed caloosha ayuu lix meelood si qumman iiga gubay, isaga oo xiganaya caadada 'Dab iyo Cudur meel ma wada galaan.'

Talaadadii, Diseembar 12, ayaan si dirqi ah labadii wiil ee ilma Cali Cadde oo isu xilsaaray in ay dhulmariyeyaashayadii noqdaan ugu amray in ay fardahooda kooraystaan. Cabsi ayay u qabeen gammaanka qaaliga ah, xilli cawsku dhif qallallan yahay. Himmijab ayaa igu dhacay markii aan arkay waxa 'Faraska' Soomaalidu ku faanto yahay. Waa geenyo yar oo 13 gacmood dirqi ku la'eg. Madaxu waa qurxoonyahay, indhuhu si fiican ayay u qayaxanyihiin, dheguhu waa yaryaryihiin, qaabkooduna waa wanaagsanyay, hase yeeshee dirkii Carbeed waa ku hagaasay cimiladan. Waa nugulyihiin, qabowyihiin, sida meesiyada kale ee adduunka dhankiisaan jooganana waa hebed. Dhagaxyo jibaaxidda ayaa gommado sugan u yeeshay, markii daal lagu dirqiyana dhiig ayaa ku soo joogjoogsada (raaf dillaac).

Waa dhif in ay Gadabursigu iibiyaan fardahaa oo ay feejignaan ahaan ugu haystaan qabiilooyinnka ay deriska yihiin ee Ciise iyo Geri oo dhammaantood lugkudirir ah. Degmo ayaa laga helaa in ka badan lix ama siddeed, qiimaha ugu hoseeya ee lagu iibiyaana waa 10 neef oo lo' ah ama 20 go'. Badwiga Soomaaliga ahi daabbaddiisa waa u dhimriyaa marka uusan ku joogin, markii uu kooraystose u ma aabayeelo oo waa ku adkeeyaa. Wixii neefku markuu yaraa uu qurux lahaaba waxay lumaan inta uusan shan jirsan, in yar mooyee inta kalena anqowbarar iyo dhabarwareeg ayaa ku dhaca. Meelo carrigan ka mid 'in aad laba ama saddex goor karaar xooggan ugu soo dirgato gurigaaga inta aadan ugu dambaynta ka degin aad ayaa loogu bogaa, marka la baxayana dabbaaldeggaas ayaa la sameeyaa. Fardafuulka Soomaaliga ahi inta kooraha ku boodo (haddii aanu leeddafuulayn) isaga oo warankiisa cuskanaya ayuu marka hore isku dayaa in uu faraskiisa gaajaysan cariyo, isaga oo ku dhiirrigeliya dhowr rogaalcelis. Dabadeed inta cirbo darandoorri ah feeraha kala dhaco mararka qaarkoodna katiga warankiisa qutays ka dhigto ayuu ka jeefagaa. Wareeg yar dabadi, isaga oo markaa ku dedaalaya in uu sida ugu wacan isu taago, ayuu meeshii uu ka bilaabay xawaare sare kula soo laabtaa, markaana muquus23 Carbeedka ayuu si argagax leh ugu jageeyaa faraska duulaya, taas oo faraska daanka qaar jebisa afkana uu dhiig uga buuxsamo. Dhaqaalaynta Carabka la hubaa uu faraskiisa u hayo aad baa loo yaqaan, arxandarrada Soomaaligu kiisa u hayana waxay ila tahay in iyadana sidaa oo kale loo aqonsado.

Badwidu fardaha way ku tartamaan, si xaraarad lehna waa ugu sharadtamaan. Mararka aanay hawli jirin, beretan dhaqamaeed ay iyaga iyo fardahoodaba ku soo bandhigaan ayaa la qabtaa. Gadabuursiga iyo dhab ahaan Soomaalida oo dhammiba si debacsan ayay fardahooda isaga dhakooliyaan. Koorahoodu waa qaarre kor u kacsan oo saab loox ah leh, sida kan fallaaxda Masaarida. Laba loox oo fudfudud ayaa mid kale oo dhexyaal dhabarka ku dhereran ah boos qumman u yeela, dabadeedna saddexdaba waxaa si adag la iskula qabtaa dhagaatiyo qoyan. Salsaar harag idaad ah ayaa si debacsan loogu dul fidiyaa, rakaabka cilinka ahna suulka cagta uun ayaa geli kara, maadaama dadku ka baqaan rakaab haddii farasku kufo lugta murgin kara. Muquustoodu aad ayay u naxariis daranyihiin, waana qoolaab bir mutuxan ah oo sida xakamaha Carabta daanka hoose ku naban una gala meeshii silsiladda cansaarta. Shakaallada Berbera lagu farsameeyo qarkood si qurux badan ayaa maqaar iyo sharraxaad bir dhalaalaysa ah looga sameeyaa, sidii birqoolaabyo quoits24 yar yar ah. Jeedalku waa daab harag adag oo naxaas lagu maray ah, hal fayraq oo shaabuug gaaban oo ballaaran ahina ka lusho.

Diseembar 12, laba saac oo subaxnimo, ayaannu aniga oo ay i weheliyaan labadii wiil ee ilma Cali Cadde ahaa iyo Yawmul Qiyaame hore uga sii fuulnay, inta awrtii daashay kaga tegey weheliyeyaashaydii iyo dumarkii. Banka ayaannu jiho koofur-galbeed ah u sii qaadnay, hoobadyo iyo taagag dabadoodna waxaannu nimi qar dheer oo ilikuwareedhay muuqato. Gadaal waxaa dhaca Kuraha Wanauli oo durbaba meel dheer basaligoodu ka muuqdo. Dhankayaga bidix waa ku yaalla fiiqaq buuro tiro badan oo mid walbaa magaceeda leedahay. Waxaa la sheegaa in aan cidina fuuli karin, taa oo malaha looga jeedo in koriddooda daal laga muto. Halkan waxaa ku yaal meelo lagu siyaarto saddex awliyo ah oo aad looga dambeeyo, Cammuud, Saw iyo Sheykh Sharlaganaadi. Xagga waqooyi-galbeed waxaa la iga tusay buuro lafcir u eg oo Ciisaha Soomaaliyeed dego. Xagga foolka ah oo ay kuraha madow ee Harar ku gadaamanyihiin waxaa dhaca Togga Harawo. Ballaceedu waa ilaa 15 mayl, wuxuuna u kala socdaa ka jeedka koofur-galbeed ku jeedda waqooyi-bari oo sii kala dhex maraa buuralayda Geri iyo daaladhaca dhulka Somaalida Gadabursi, ilaa carriga Dankali (Cafar), sida la sheegay. Waagii hore dhulkan ugbaadka aan la degganayn ah waxaa lahaa qabiilada hore (Geri), laba iyo toban sano ka hor ayaase waxaa ka qaaday Gadabuursi oo isla markaana ka dhacay 30 lo' ah, 40 geel ah, iyo in u dhaxaysa 300 ilaa 400 oo ido iyo riyo ah (ari). Xoolo fara badan oo rag warmo leh duurka daajinayaan ayaa na garansiiyay in aan ku soo dhowaannay degmadii ay wiilashii Cali Cadde degganaayeen.

Afar saac iyo bar subaxnimo, markii aannu siddeed mayl soo fuushanayn, ayaannu gaarnay halka uu dhaco degaandegga hoose ee Kuraha Waqooyi ee Dooxada Harawo ku xeeran. Waylaalisahayagii ayaannu geed hoosti la kala baxnay, isla markiina waxaa na hareereeyay badwiyiin keenay caano, hilib solay lo'aad ah, subag iyo malab ku jira mid ka mid ah xeerooyinka aslan ee Cutch laga keeno. Quraacdii oo Yawmul Qiyaame uu hilibkiisii oo uu malab ku dhuuqay dadka kaga duwanaa ka dib ayaannu inta buntukh qaadannay kaynta qabannay. Waxay la ciirciiraysay sagaaro iyo Geranuug, dudumo walbana kadabshiir ayaa fara kulul ku hayay, guuguule iyo digiiran ayaa iyaguna xirarka dhex mushaaxaya, geedaha dhexdoodana waxa aannu ka maqalaynay cida joogtada ee Goobiyaanka iyo shimbirta cideeda kaftanka loogu magacaabo ' Doobow-doqon-gus wayn', iyo galayrka midabka ifaya leh, iyo Aboodiga ama Bikiyah cirka aan daruurta lahayn hawada sare baalka simaysa. Ugaarsi markii aannu ka daalnay ayaannu waylaalisahayagii ku soo laabannay oo badwidii sheeko la fariisannay. Waxay ku faaneen xeesha ay gaashaanka u adeegsadaan iyaga oo u muuqday kuwo aanay waafinnimada warnduugga micnihiisu dhacsananayn. Si aan fikrad wanaagsan uga siiyo ayaan koodii ugu wanaagsanaa ul u dhiibaay, aniguna mid ayaan qaatay oo isu dhiibay in uu ila helo. Markii uu si isdabajoog ah ii la waayay ayay dhangad kululi halka jirkiisu ugu jilicsanyahay ka qabsatay. Dudkii daawanayay ayaa qosol dheer oo cod sare ah ka wareegay, iska yeelyeelkii 'geesi gaashaaman'-nna halkaa ayuu wareer ku dambeeyay.

Gabbalkii ayaa dhacay, wax safar ahi se ma soo muuqan. Waxaa daahiyay baqal baxsaday, malaha rabidda xakamaynta dibjirnimadayda darteed ayuusan ilaa habeenbarkii iman. Martigeliyeyaashadii guri ayay soodhawayntayada u banneeyeen, caano noo keeneen, martigelintoodiina heerka ugu sarreeya oo ilaa talaxtag ah fidiyeen.

Rejo aan ka qabay in aan sadcaalo durbaba waaberiga subaxa Diseembar 13 tahay ayaan Buux iyo walaalihi aqalka ugu yeertay oo xasuusiyay in Xaajigu ballan qaaday dalmariye aan daah lahayn oo i gaarsiiya ilaa degmadii Garaad Aadan. Waxay iigu jawaabeen, in kasta oo ay aad u jeclaan lahaayeen in ay ballanta fuiliyaan, se imaanshaha Madaxu, wiilkii ugu waynaa, uu wadatashi ku baaqay. Dabadeed, inta geedaha galeen ayay shir u fariisteen laba saac oo subaxnimo ilaa duhur dabadi. Ugu dambayn xal aan la dhaafi karin ayay gaareen. Nimanku midkood ayaysan carriga Garaadka u aammini karin. Hase ahaatee, nin faras ku joogaa waa in uu u qaadaa garaadka Geri warqad in uu seeddiyaashii soo booqdo ku casumaysa. Waxaa la iigu laabqaboojiyay in garaad Aadan isaga oo aan biyo kabban uu soo koraysanayo si uu noo la kulmo, se, cabsidu labada dhanba waa ay ka jirtay oo waxaa iska caddayd in aano dhex tiil, aqoon aan caadada Soomaalida u lahaana waxay shaki iga gelisay sida safarkayagu ku dambaynayo.

Si ay ahaataba, warqad ayaa loo qoray Garaadkii xusuusinaysa wixii 'geedka hoostiisa looga hadlay' oo ay weheliso hanjabaad ah in isu qoonsanayo ceelka biyaha dhanaan leh ee lo'diisu kaltanka ugu soo aroorto haddii uu ka maago arrinka. Dabadeed waxaa yimi gorgortankii shaqo wacan iyo mushahar. Gorgortan badan ka dib, gaar ahaan dhanka qurunle Cige, waxay yeeleen in ay qaataan 20 go', 3 xirmo oo tubaako ah iyo 14 baac oo maro suuf buluug ah. Intaa waxaan laaluush ahaan u raaciyay mid ka mid ahaa shaatiyaydii Xabashiga quruxda badnaa ee farqaha xariirta ah lahaaye Cadan lagu sameeyay in aan siiyo Buux maalinta aannu degmada Garaadka galno.

Waaberi hore ayaan subaxii xigay u toosay ballanqaad adag oo aan Abbaanka kaga haystay ugaarsi mug leh Dooxada Harawo dhexdeeda. Soomaalidii mar hore ayay sii qaybsadeen raqda maroodiga aan dili doono, baalka geesinnimadana sheegashadiisa waa qoondaysteen horta, anigana waxaa la ii qorsheeyay saddex meelood oo laba foolmaroodiga laga guri doono. Haddaa wax haray oo aan shabbaaxid ahayni ma jirin. Huumbaallayn iyo salaado tukasho badan oo lagu daahay ka dib, Buux faraskiisii ayuu kooraystay, Xammaali mid ayuu iska dhakooliyay, badwi geesi ah oo Faahiye (ama Faax) la yiraahdaana mid kale ayuu ku booday, waxaana aan u dhaqaaqnay in aan raxamaha haleelno. Yawmul Qiyaame gadaal ayuu isu dhigay isagu, walwalka uu ka qabay in baqal uusan maroodi ka dheerayn karin ayaa calool xumo aan afka la soo marin karin ku haysay, ilaa aan markii dambe degmadii ku celiayay. ' Fulay in aan ahay miyaad ii qabtaa Xaaji?' ayuu ku tiraabay wadaadku, inta geesinnomo iska doonay. 'Runtii sidaa ayaan kuu qabaa!' ayay ahayd aniga jawaabtaydu. Isaga oo aan waxba yaxyaxin ayuu inta baqalkiisii ciribiyay dhabarka jeediyay, isaga oo leh 'Aadane soo naf qura uun ma leh? Kii ku khamaaraana soo doqon uun maaha?'

Dabadeed hore ayaannu ugu dhaqaaqnay inta banaatiikhda cabbaysannay, iyada oo Buux sidii khadiibkii hees maroodi qaadayo25. Dhulka Soomaaliyeed, sida Kaafirta oo kale, dilka maroodiga waxaa loo haystaa fal geesinnimo, marka laga reebo nin ama wiil la wanjalo. Qabiillada badankoodu waxay ka xirtaan baalka tuurka la surto iyo sindiyad foolkiisa laga sameeyo26. Ugaaratada qaarkood, sida Bushmenka Cape-ka27, qarawaynaha kaynta waxay ku laayaan gamuun gano leh oo sunta Waabaayada la marshay. Qaabka guud ee loo ugaarsado waxay u egtahay tan Agagerta Xabashida ee Bruce28 qeexay. Nin ayaa faras cad fuulaya oo maroodiga hor afarqaadlaynaya, si uu u cariyo. Maadaama aan hubka qarxa laga aqoon carrigan, hawshu waa 'cari oo cayri.' Ninka faraska ku joogaa wuxuu isku beegaa meel jiq ah ama u dhow oo saaxiibki ku sii gabbanaa, kan gabbanayana marka xayawaanku xawlli ku soo dhaafo ayuu gaallays culus oo af badan faylaha ku jarayaa, waa halka dadka faysha Achiles29 kaga taal e. Nabarkani judha hore dhutin yar ayuu uun gaystaa, markaa ayaa maroodiga oo u qaba in qodaxi cagta ka mudday cagaha aad dhulka ula dhacaa oo meesha rugaa, ilaa seeddu si fiican u kala go'do. Xayawaankii oo markan curyaamay ayaa dacdarro oon iyo gaajo loo nacaa. Saynta sida Kaafirta oo kale ayaa billad ahaan loo goostaa, foolashana marka qurun jilciyo ayaa la guraa. Afrikada dhinaceedaan maroodiga waligi la ma hebdiyo (ama hebed ma noqdo).

Lix saacadood ayaannu ballaca Dooxada Harawo sii fuushanayn. Dhir badan iyo biyamareenno biyaha kuraha ku gedaaman ka hooriya ayay meeshu lahayd. Meelaha qaarkood karadda biyuhu 20 cagood ayay ciidda hoos u jeexday. Qararka waxaa ku teedsanaa milk-bush, Asclepias, Carmo, iyo geed qodxeed noocyo badan leh, gaar ahaan gob miro hurdi ah leh. Halkan shimbiro ciiddaa ka badan ayaa balanbaaliso baallahoodu midabbo ifaya leeyihiin halabsanaya. 'Sheekh Indhoole', sida dadku ku magacaabo dakhsiga madow raxan raxan ayuu gacmaheenna iyo wajigeenna ugu degayay marka aannu ag marno. Dhulka sare waxaa aad uga baxay nooc tiin ah oo halkan geed laamo harac ah bixiya ah. Laamihiisa afargeeska macoyda cagaarka tiqda ah e jirmiga leh oo mararka qaarkood 40 cagaood kor u baxa waxay baarka ku sitaan ukurro miro waawayn oo buurbuur midab casaan ifaya ah leh. Marka dhirta loo dhowyahay gembisyo aad u qurxoon oo carriga firirsan ayaa la arkaa. 'Xasaddin'ta waxaa ka buuxa caano jirka guba, Soomaaliduna hoos ayay eegtaa marka ay hoos marayaan laamaheeda. Waxaa la sheegay in maroodigu jecelyahay, waxaana la arkaa meelo badanaa ay feerfeereen maroodiyo gaajaysan. Halka ugu dhow ee ugaar loogu tagaa waa jabaddadii sanadii hore. Hase yeeshee, meelo laga heli karo oo dhir harac ah iyo geed qodxeed cagaaran oo biyo u dhow leh sina ba loo ma waayo.

Markii aannu dooxada xidhkeeda koofureed soo gaarnay ayuu Buux na la socodsiiyay in haddii la doonno aannu maalintaa oo dhan sii fuushanaan karno, dhulkuna sidaa uun wada yahay. Zaylac waxaa la iiga soo sheegay in maroodigu 'sida ciidda' ku yahay Harawo, xataa Gadabuursiga oo ka fog waxay ka maragkaceen in uu sida idaha u daaqo, markii aan annagu ku sari waynnayna waxay ku dhaarteen in ay sanadkii tegay oo qura 30 iyagu dileen. Maroodigu malaha wuxa uu aaday xagga Dooxada Xariirad oo xilli dambe ayaa waxaa soo dejiya qabowga. Gordon Cumming30 dambe ayaa haddaba ku guulaysan doona halka Xaaji Cabdullaahi sida xun ugu guuldarraystay.

Diseembar 15 ayaa geesigii Buux ahaa, labadiisii walaal, iyo ina adeerki Faahiye kaftanlow u holladeen in ay dooxada naga la gudbaan. Dabadeed markii baqal shan mayl dib u guryanqoday la soo helay, la na xalliyay muran badan oo dhex yiil Shehrazade oo rag rariddii awrta ka jeediyeen iyo Cawar oo ishiisii qudha ahaydi caro uu ka qabo sida ay gabadhu wax leedahay la mirigmirig leedahay ayaannu xagga koofureed afka saarnay. Saacad socodkeed ayaannu ku gaarnay bannaanis kayn aan is haysan oo geed qodaxeed ahi ku hareeraysantahay. Dhexda waxaa kaga yaal qabri duqoobay oo dabbaaldeggyada lagu qabto, marka Ugaaska Geedka Barakaysan hoostiisa lagu duubayo. Xoolajirro ayaa duurka ka soo baxay si ay noo daawadaan marka aannu gudbaynno, iyaga oo gacanta baryo 'buuri' u taaganaya. Hablihii inamaha ahaa ayaa inta hore isu soo mutuxay yiri 'gabdhow kaalaya amakaaggaan arka!", markii si fiican loo waraystayna jawaab hadal la ma ayan bakhaylin. Badankoodu waawayn ayay ahaayeen, guumayso aan yaraynna waa ku jireen go'doonka qabiilku ku suganyahay darti, maaddaama halkan carriga Soomaaliyeed isguursiga ilma'adeerta laga durko. Dhulka dooxadu waa didib adag oo quruurux si silloon u warani daadsanyahay, kuruhu waa dhagax miiran qararka biyojeexda ah ee dhaaracyada iyo dhagxyada yaryar ahna waxaa ka muuqday heerka biyadhac 10 ilaa 15 cagood inta u dhaxaysa dherer gaara. Dixahaas waxaannu ku aragnay raad isdabajoog ah oo ay deero iyo doofaarro dhigeen.

Toddoba saac oo duhurnimo ayaa awrtayadii iyo gammaankayagii laga waraabiyay laasas ku yaal tog ballaaran oo Janno Gaaban lagu magacaabo. Marinkiisa waxaa la iigu sheegay in uu xagga waqooyiga u aado Dooxada Harawo ilaa Oodla iyo Waraf, laba godeen oo carriga Wayma ee Tajurra agteeda ah dhaca. Qiyaastii saacad barkeed ka dib ayaannu soo gaarnay xero idaad laga guuray oo nasiyadeennii u dambaysay lix mayl u jidha. Markii aannu rarkii furnay ayaannu ku kifaaxnay ceel agteenna ahaa oo aannu ogaannay in biyaha inta ay adayg ka qabaan qofka ku maydha ay jidhkiisa jiriirac xajiin la moodo ka soo saarayaan. Daawada kaliya ee waxan xilka lehi leeyahay waa dhabooq saliid ama subag ah. Waa dawo kahortag oo ay tahay in ayan marna sadcaalayaasha Afrika halmaamin. Marka hore dareenka xaydhu ma wacna, dhawr beri ka dib ayaase la illoobaa, ugu danbayynna 'salaaxa subagga' sidii beebka ama koobka bunka ah ayaa loogu bogaa. Jirka ayuu qallalylka iyo nabarrada ka jiraa, waxyeellada baas ee kulaylka, qabowga iyo qoyaanka wuu ka hor tagaa, sunta kaneecada ee Proteus-ka bakteeriyada la moodana wuu kala gooyaa. Soomaalidu waligood ma gefaan in ay isku duugaan, marka ay subag heli karaan, Badawiguna raaxo halkii ugu sarraysay ayuu jooga marka uu milicda fariisto ama ba, kulku dadkaan waa u sida xamaaratada e, marka inta uu dab belelaya dhabarka u duwo oo jaalki subag ku dhabooqo oo ku duugo. Dalmariyeyaashaydii baqdin ay libaax ka qabaan ayay xero idaad ka galeen, anigana dhib yaraan la iigu ma dirqin in aan la galo xeradaa.

Laba saac ee subaxii xigay ayaannu kayn aan ilqabad lahayn oo geedqodaxeed ah inta sii jibaaxnay mid ka mid ah buuraha goonida u go'an ee dhulka Soomaaliyeed tilmaamaha la jeclaysto u sameeya afka saarnay. 'Kooraley', eray u dhigma kooraheenna ayaa qaabkeeda magaca isha ka tuuray. Qaanso kooraad31 iyo dabagelis32 waxaa u dhigma laba dhadhaab oo dhagaxdixeed ah, dhexdoodana waxaa ku yaal godaan fadhigii ah. Markii maalintii sii kobocday ayuu heerkulkii iska beddelay 50° oo isu rogay halka ugu sarraysa oo ahayd 121°. Qiyaastii shan mayl markii aannu soconnay ayaannu ku hakannay biyamareen ballaaran oo Gallajab (biyo badan) la yiraahdo. Halkaa ayaannu ka qubaysannay oo qado wanaagsan ka dhigannay rati intuu qar ka duulay addin ka jabay. Socodkayagii ayaannu sii ambaqaadnay abbaarihii 11 saac ee galabnimo, annaga oo sii dhex marnay dhul taag ah oo marka roobku da'o dabadeed ay tahay marka uu ugu bacrinsanyahay. Waagii hore Geri ayaa degi jiray, Gadabursiguna aad ayay ugu faanayeen qabsashadiisa. Saacad markii aannu soconnay ayaannu gaarnay cagta Kooraley oo degaandegyadeeda hoose uu ka muuqday lammaane ugaar Alakuud la yiraahdo ah. Waa hebed si fudud loo toogan karo, Badwiduna hamuun wayn ayay u qabaan. Saacad kale oo socod gaaban ah waxay naga tuurtay dix ballaaran oo gebiyo dhaadheer oo dhoobo adag oo heer biyadhig 18 cagood ciidda ka sarreeyaa ka muuqdo, dhir badanna leh. Dalmariyeyaashu waxay ceelashaas/laasaskaa ku tilmaameen Agjoogsi, waa magac guud oo muujinaya in biyuhu meel dhow joogaan e.

Markii aannu dixda dhaafnay, kur ayaannu u baxnay oo dhaladeeda ugu tagnay degmo wayn oo lo'i diiqalyaynayso. Dadkii degganaa ayaa nagu soo yaacay, si ay noo daawadaan, dumarkuna erayo la yaab muujinaaya ayay naga lahaayeen. Tii ugu qurxoonayd ayaan beegsaday oo buntukhaygii salaam uga riday dusheeda. Dadkii oo faraxsan ayaa ku dhawaaqay"Mood! Mood!", annaguna waxaaannu dhawaaq ku jawaabnay"ku liibaan33."

Galabnimadii 11 saac, markii aannu shan saacadood soconnay ayaa awrtii jabad laga guuray oo ooddiisa dhaadheeri cabsi subaac laga qabay muujinayso lagu furay. Tirooyinka lo'da ah ciidankooda ayaa libaax naga jiray, laakiin maalin ka hor uun ayuu libaax gabar aqalkeedii ka jiitay, lugaheedii mid ka mid ah oo kali ah ayaa duug Islaam lagu sameeyay. Badwi Caddow la yiraahdo oo aannu seesi34 ahaan u qorannay ayaa lagu amray in uu habeenka hees ku idleeyo. Sida waardiyeyaasha Soomallida caadada u ah waa in uu isagu cod isku la sheekaystaa oo mid ka duwan isugu jawaabaa, si uu tuugada ugu qanciyo in rag dhowr ahi meesha waardiye ka hayaan. Dabka ololaya marka uu ag fadhiyo arag cawaaneed ayuu leeyahay, farxaddiisa dharaareed, wehelkiisa iyo ilaaladiisa habeenku waa tallaabada kaliya ee uu kaga horreeyo daayeerrada walaalihi ah.

Afar maalmood ayaannu Agjoogsi ugu xayirnayn Garaad Adan oo iman waayay darti. Daahiddaan ayaa i siisay fursad aan dusha uga baxo Kooralay oo qiyaastii hal mayl u jirtay meesha aannu degganayn. Haddii aannu dhagaxdii iyo boholihii gosheeda sii dhex taagtaagsannay, waxaannu u tagnay fariisinno lafo lo'aad la qubay, dufantiryo cusubina waxay muujinaysay in meesha mar dhow uun ay qolo ka guureen. Carrigan libaaxu waa dhif in la arko, in xaskiisa jiqda ah looga naxsado mooyee. Intii aan sadcaalka ahaa, in kasta oo marar cidiisa la maqlayay habeen oo dhan, mid qura uun ayaan arkay.Dadku boqorka subaaca waxay ka qabaan ciraanays ah in uusan soo weerarin sadcaale kaligi ah, maxaa yeelay qofkaasi ayay yiraahdaan libaax oo dhan kii ugu waynaa ayuu dilaa. Waa xayawaan gabbada oo ay dadku ka qabaan baqdin aad uga yar tan ay ka qabaan haramacadka caraysan ee xoogga leh, marka laga reebo xilliga gudcurka ah iyo marka subaaca hilibcunka hororka ah ee duufaannadu kiciyaan ay soo baxaan. Maadaama uusan awoodin in uu xawli ku ordo marka gaajo ku dillaacdo, koox socoto ah ayuu aayar sidii mukulaashii u raadguraa oo markii uu u soo dhowaado soo boodaa, kan ugu dambeeyana inta rito jiqda u qaataa.

Kooraley dhaladeeda sare waxaa si wacan nooga muuqday dhulka ku hareeraysan. Ugu yaraan afartan degmo oo badankooda laga guuray ayaa inta ishu qabato ku yiil. Dhinacyada oo dhan, waqwooyi-galbeed iyo koofur-bari ma ahee inta kale waxay ahaayeen dhagax madow iyo kuro dhagaxdixeed ah. Halka ay maraan dooxooyinku oo ay dhowr seere kala dhex maraan waxaa ku astaysnaa cagaar doog qoyan ah, bananka firiqsanina sidii gaashiyo dhulka saaran ayay hurdi la dhalaalayeen. Waa saamaynta ay reebeen didib iyo nagaar, iyada oo isla markaana ceeryaamo fudud oo goobaabin midab lafcir iyo qalin isku dheehan leh ku ekaysay meesha. Halkan Yawmul Qiyaame waxaa uga dhalatay fikradda ah in boqorkii dalkan uu ii caleemo saaro. Isagoo kor buh! buh! buh! u leh ayuu caleemo geedxabkeed iyo biyo yar oo ubbo weeso ku jiray madaxa dushiisa igaga rusheeyay, dabadeedna si khushuuc u dhanyahay duubka iigu xiray. Malaha nasiib wanaag ayay ahayd in aan kaftankaa cidina arag. Shamuum badwi ah ayaa kurta cagteedii soo dhoobtay iyaga oo, sida dhacda, fal ka shakisan. Haddiise ay runta ogaan lahaayeen, socdaalkayagu waxaa dhici kartay in uu degedeg u soo af jarmi lahaa. Soo degaandeggii waxaa aan helay mudacyo caanaqub35 oo tiro badan, waxaana kale oo aan toogtay qoollay Ceelaljoog la yiraahdo. Salka buurta 'Bawne' kii Falastiin u eg ayaa ka muuqday, isaga oo dhagxyada dushooda ku qorraxaysanaya, waa madadaalada uu ugu jecelyahay e.

Galabtii Diseembar 20 ahayd ayuu dhambaalsidihii faraska ku joogay soo laabtay, lix saac oo cirbin adadg ah dabadood, isaga oo wada warqaddii aan Garaadka u qoray oo aan la furin iyo farriin gaar ah oo ka timid ilma Cali Cadde walaashood oo ku talinaysa in ayan meeshooda soo dhaafin. Shir xasaasi ah ayaa dabadeed madaxa la is gashaday. Waxay u muuqatay in Garaadka oo qarka u saaran in uu faras soo kooraysto ay dadkiisii ku dhaariyeen in uu negaado oo uu xalliyo khilaaf iyaga iyo Amiirka Harar u dhaxeeyay.

Si ay ahaataba, abbaannadii waxay la noqdeen awrtoodii kirada ahayd, si cadna u diideen in ay na weheliyaan, iyada oo Buux uuYawmul Qiyaame si qarsoodi ah u ogaysiiyay in aan dhulkan ku yeeshay magac baas oo iigu baxay aniga oo wax walba laynaya, maroodi ilaa shimbirta hawada sare lasha. Walaalaha yaryar midkood, dhab ahaan waxa uu ka markhaati kacay in aannu bayaxawyo khayr bilowgi ah nahay haddii Garaadku tin koryaga ku taal wax gaarsiiyana uu Geri waxa adduunka jooga dhammaan dhegta dhiigga u wada dari doono. Hore ayaan se u barannay, si ay ahaataba, in aannaan u bixin bootadaas. Yawmul Qiyaame ayaa si xifaale ah wuxuu ugu jawaabay in hadalladoodu malab yihiin ficilladooduna malmal. Maadaama ay qabiil gun ah oo aan ceebta ka sarriigan yihiin, k ama ayan soo jawaabin guulguuliddayadii. Ugu dambayntii xeelwareejin kale ayaa miro dhashay. Buux iyo walaalihi oo sidii carruur caraysan hadba kadaloobsanya mahad celin ayaa iyaga aayar lagu fasaxay, waxana aanu soo jeedinnay in aan hoos tagno maganta Garaad Xirsi, waa garaadka Bartire e. Tani waxay xoolihii abbaaninta markii hore loogu talo galay seeddigood gacanta u gelin lahayd nin ay xiniftan lahaayeen, sidaana qaraarkoodiina in ay beddelaan ayay ku kalliftay. Mugga waxaa na soo booqday laba wadaad, Aw Samatar iyo Aw Nuur, laba dhoohaneyaal ah, se yara firfircoon oo naxariis leh. Kan hore cimaamad uskag leh ayaa uu xirnaa, kan kalena koofiyad Zaabidi ah, waa koofiyad falkis ah oo cawda falliiq dhexaadkeeda adag laga sameeyay. Waxay siteen masallayaal harag riyaad ah oo ay salaadda ku tukudaan, garbaha midig waxaa ka lushay ubbooyin geed laga qoray oo khadi ku jirto iyo Loox tahliisha lagu qoro, bidixna waxaa ka lusha kiish dufan leh oo uu ku jiro kitaab Qur'aan ah oo rifrifan iyo MS36 yar oo ducooyin ah. Si fiican ayay wax u akhrin karaan, se Carabiga ma aanay fahmayn. Waxaan u hadiyeeyay nuqullo rakhiis ah oo Qur'aanka Kariimka ah ee Bombey lagu daabacay ah. Tirada shaqalaawayaashani marka aannu Harar oo ah halka carriga Soomaaliyeed laga soo aflaxo u sii dhawaannaba waa ay korortaa. Dadku sidaa u ma sii dhegaystaan taladooda, se markan Aw Samatar wuxuu ku guulaystay in uu ku qanciyo geesigii Buux ahaa in aysan khatartu mala'awaal uun ahayn.

Ka dib, durbadiiba, waxaa xeradayadii yimi fardooley saddex ah oo noqday wiilashii Aadan, Ugaaskii mustaqbalka ee qabiilka Gadaabursi. Ugaaskani si buuxda ayuu u garansanaa faa'iidoonyinka ay leedahay furitaanka waddada ganacsiga ee ay xayireen xurgufaha aan sidaa u sii buurnayn ee u dhaxeeya dadka, sidaana farriinta u soo diray isaga oo leh in xushmadda uu Xaaji Sharma'arke u hayo darteed uu haddii ay wiilasha Cali Cadde ka baqaan in ay na dalmariyaan uu isaga qudhiisu hawshaa gudanayo. Halkaa ayuu Buux 'Geesi'ku noqday, sida Yawmul Qiyaame carrabdadab ahaan ugu magacaabay. Dib ayuu walaalihiis, fardahoodii iyo awrtoodiiba inta dib u celiyay si geesinimo leh isugu diyaariyay in uu dalmariyahaga noqdo. Si xifaale ah ayaan u wayddiiyay waxa uu hadda ka qabo khatarta nagu soo fool leh. Jawaabtiisii oo dhan wuxuu ku soo koobay in uu ku celceliyo oraah badawida oo sida Carabta oo kale cabsi daran ka qaba magaalooyinka ay maalin walba dhegaha iiga qaylyayeen, 'jirkaagaas cad Harar bay ku hallayn doonaan!'

Diseembar 21, markii ay saacaddu ahayd sagaal saac oo galabnimo ayaannu xagga galbeed u dhaqaaqnay, annaga oo karin kuraha dhexdooda ah ka dusnay oo markan koofur-galbeed isugu jimbacnay dhul si dhakhso ah kor ugu kacaya aadna loo deggenyahay oo meesiyo iyo tirooyin xoolo ahi hareeyeen. Galabnimadii 11 saac, socod laba mayl ah dabadi, ayaannu aqalkeennii ka taagganay xero dad badani deggenyahay dibaddeeda, neef ido ahna waxaa noogu deeqay Aw Samatar, ilaa waqti dambena olol dugsoon ayaannu ku cawaynnay. Subixii dambe horraantiisii ayaannu rajaynaynnay in aan dhaqaaqno. Hase yeeshee, biyo la'aan ayaa jirtay, safarro aan badnaynna si aayar aayar aha ayay isu soo tarayeen. Waxyaalahaas ayaa na daahiyay ilaa 10 saac oo galabnimo. Jidkayagu wuxuu ku aaddanaa xagga galbeed oo uu sii maro dhul taag ah oo ku beegan kur iska muuqata oo Konti la yiraahdo. Awrta ma jiraan wax uga daran xatabadaha dhagaxa ah ee buurta cagteeda ku yaal. Waa xirmooyin ay dixo dhaadheer jaraan, biyamareenno halis ahina ay ku badanyihiin. Rarku markan marna gadaal ayuu u siibtaa marna horay, mararka qaarna waxa uu ku sigtaa in xanan la haro. Ugu dambayntii waxaannu ku qasbanaannay in aannu rati dib u dhigno si uu tartatiib noo soo daba galo. Laba mayl markii aannu sii siqaynnay dabadeed ayaannu ku hakannay xero lo'aad laga guuray oo cirka qaawan hoos seexannay, maadaama ay kuraha hoostoodu diirrannayd. Galabtaas safarkeenna waxaa ku soo biiray inan Gadaabursi ah oo heeran37 ahayd. Shehrazade iyo Deenarzade inantaa waji furan ku ma ayan soo dhowayn, waxaan se ku adkaysannay in cunno laga dharjiyo, annaga oo hawshaa korjoogto ka ahayn. Habka ay cunnada u cunaysay wuu silloonnaa oo sacabkeeda ayay bariiska ka leefaysay. Subaxii xigay waxaa annaga oo maqan iyana ay si xun u diiddantahay la baxay niman tolkeed ah oo ku raad joogay. Haddana, aniga oo Gadabuursi nabadey leh, muuqaal yar ayaan kaa siin doonaa qabiilka:

Gudabiirsi ama Gudaabursigu waxay sheegtaan Dir iyo Iiddoor, sidaana in ay Ciisaha xigto la yihiin ku sheegtaan. Dad kale waxay sheegaan in qabiilkoodu yahay laan Bah Gobada Habar Awal ah oo wagoodii hore deggenaa Jabal Almis agtiisa iyo xeebta Buulaxaar. Soomaalidu si aan gabbasho lahayn ayay garacnimo iyo fir gumeedn ugu dhalleeceeyaan. Abtirisyaqaan caan ah ayaa mar ii sheegay in ay Midgaha ama addoomaha wax yar uun dhaamaan. Hooyadii farcooda waxaa la sheegaa in ayan magacaabi karin wiilkeeda aabbihi. Qaar waxay soo jeediyeen in la dilo, kuwa kalana in la daayo, iyaga oo leh, 'abbooyaalow maan isaga biirsanno.'38 Sidaa ayaa qabiilka magaciisu ku baxay.

Gadaabursigu waa nahaabyo beentu lafaha degtay oo aan tirada ku qiyaasi karo inta 3000 ilaa 10,000 u dhaxaysa. Waxay degaan dhulka dhagaxa iyo labarogyada siman ah ee isugu jira kur qodax leh iyo tog caws leh ee ka sarreeya aagga hore ee silsiladda buuraha ah ee badda xaggeeda dhacda. Xagga Harar ayay xoog ugu dhul ballaarsadeen, halkaa oo hadda bancawska Maraar uu soo xeero. Sida caadada ah, waxay u kala baxaan laamo fara badan.39 Xagga muuqaalka Gadaabusrigu si muuqata ayay uga sitaan Ciisaha deriskooda ah. Wajiyo qurxoon ayaan ku arkay raggooda iyo dumarkoodaba. Qaarkood waxay ba soo hollinayaan qaabka Qawqaaska.40 Nin oday ah oo gibilkiisu midabka saytuunka u egyahay, xirribo hoolan, timo cad oo madaxa hareerihiisa galoolan, qadaad dheerna leh waxa aan laga aqoon raggii Anglo-Indianka. Guud ahaan se,, afka ballaaran ayaan firkooda Afrikaan fashila, calalinta tubaakada ay magaadka darsadaanna ilkaha ayay miririsaa, cirridka madoobaysaa, bushimahana waa ay giirgiirtaa. Midakoodu waa shaah caddayska Xabashiga oo ka yara cas gibillada gubtay ee xeebta, timaha oo aad subag qadhmuun loogu dhabooqayna gadaal ayay u dhacsanyihiin iyaga oo daliigo dhuudhuuban, dhaadheer, galgaloolan ah oo midabka dhogorta eyda pointer-ka Ruushka41 leh. Qaabdhismeedku wuxuu u dhawyahay gaabnaan, laakiin ballaaran oo lixaad leh.

Gadabuursigu laystaannimada iyo maaro u waaga waa ka la mid, inkasta oo ayan sida Ciisaha dhiigyacabyo caddaystay ahayn. Ugaaskoodii geeriyooday, Rooble, ee Reer Samatar wuxuu ka tegay waraso aan xukunka xagsan karin. Duubka dartii ayaa mar waxaa talada marooqsaday lafta ay iska soo hor jeedaan ee Reer Cabdillaahi, halkaana dagaal sokeeye ayaa ka dillaacay. Inta xaqnimada xukunka jeceli waa ay ku raaxaysan doonaan haddii ay maqlaan in markaan waddanka ka soo tegay uu Geelle, waa wiil uu dhalay Ugaas Rooblihii hore e, ay u dhawayd in uu xukunkiisii dib ula soo noqdo. Qofka socotada ah naftiisa marka loo eego, qabiilkan dhexdiisa waa ku aammin, inta uu quudinayo oo abbaanisna siinayo, xataa hub la'aan ayuu socon karaa. Hase ahaatee, waa beenlowyaal, xataa marka Soomaali dhexdeed loo eego, faanlowyaal Bobadilladoodu42 tuugo caddaysatay tahay iyo dawarsadayaal yabooh badan oo dhuungala ah. Waxaa qalbigooda ku jira afmiishaarnimo hadal macaan oo ay dhif tahaya in la garto, marka maro ama tubaako ay arrintu khusayso mooyee. Ha ku daaline, 'munaafaqnimadu waa u sida neefsashada.' qoladan Mid ugaasyadooda ka mid ah ayaannu 'ey' ku sheegay, isaga oo haba yaraatee aan inna ba ka dhiidhin.43

Ganacsiga meelahaan miyigaa ah hadda xaalad nuxuus ah ayuu ku suganyahay, hadii jidadku nabad ahaan lahaayeen se isusocodka ganacsi ee xeebta waa lagu dhiirran lahaa. Tusaale ahaan, faa'iidada hargaha Cadan lagaga helo waxay ahaan lahayd shilin shilin saaran, hase ahaatee, jidku waa khatar xayiraadduna waa joogto. Taa darteed, faa'iidadu khatarka iyo wakhtiga lumaya u ma qalanto. Dhakhso wax safar ah loo ma qalqaalin karo, sidaa darteedna baahida badeecadaha kala duwan loo qabo la ma dabooli karo. Waxa Laing (?) Waqooyiga ka falo malaha Afrikada Barina waa lagu dayi karaa. Halkan xaalkeedu waa uun 'degdegsiinyaha aad is tiraahdo hawl ku qabo ayaa kuu qoonsan kara ka miradhalinteeda (degdegsiiyo door ma dhalo).' Ma jirto meel halkan sabir looga baahi badanyahay si shaqo hufan loo qabto.

Hantida Gadabuursi wuxay guud ahaan ka kooban tahay lo', hargo, faleen iyo subag. Dameeruhu waa yaryar ciiro leh oo tabar yar. Geelu waa waawayn habacsan oo caajis ah. Lo'du waa xoolo qurux badan oo tuuro yaryar iyo geeso dhaadheer oo lo'dii Damara44 la moodo leh. Marka ay caws heshana waxay yeelataa majo duubiyu giraamanyihiin oo cayilan. Waxaa kale oo jira nooc waawayn oo aan tii Tuscany waxba ka duwanayn. Waxa wax lagu kala iibsado waa go'a baftada qallafsan ah ee Cadan ilaa saddexda shilin ka jooga oo halkan qiimahiisu labalaabmo. Qiimaha neef geel ah oo wanaagsani waa lix ilaa siddeed go', hal go' wuxuu gooyaa qaalin lo' laba jir ah, saddexna waxay goysaa sac saddex ila afar sano inta u dhaxaysa jira. Laxdu waxay joogtaa maro barkeed. Neefka riyaha ah, in kasta oo sida Soomaalidu u haysato hilibkiisu nafaqo leeyahay, halka 'hilibka iduhu cudur yahay', wax yar ayuu ka rakhiisanyahay idaha. Hargaha iyo saamaha badanaa waxaa lagu kulmiyaa Harar oo laga dhoofiyaa. Xagga xeebta milix ayaa lagu hooriyaa, sidaana cadan loogu qaadaa. Haragga lo'du wuxuu gadmaa rubuc-doollar ama maro hal shilin u dhiganta, laba doollarna waa qiime ay kurjad ama labaatan hargo ari ahi cirmar ku yihiin. Dadka dhulka gudaha ah ee xeebta ka fog deggani hab aan horumarsanaynoo ay u hargaha magdadaan ayay leeyihiin. Haragga way radiyaan, dhamooqaan, dabadeedna midab casaan ah uga aslaan geedka Jirmah (?) la yiraahdo. Ugu dambayntii, gacanta ayaa lagu jilciyaa.

Xagga xabagta tan ugu rooni waa tan Cadaadda. Ganacsatada ajanabiga ahi waxay ku iibsadaan qiyaastii nus doollar faraasiladdii ama labaatankii rodol. Subagga lo'da iyo idaha 32 rodol waxay goyn kartaa maro doollar joogta. Shaygaan wanaagsan ee laga ganacsado waa saafi marka miyiga gudaha ah la joogo, halka xagga Berbera marka la joogo se ay Habar Awashu inta aan la dhoofin bari idaad oo la shiilay ku baraxdo. Waxyaalaha dhulka aannu marnay aadka looga baahanyahay waa marada baftada adag ah, tubaako Suurat, kuulo, iyo gambada lafcirka ah ee dumarku xirto. Dadku waxay kale oo aad ugu rayn lahaayeen wixii qoodhin ku kordhin kara fardahooda. Markii aan Cadan joogay waxaan ku fikiray in aan xoogaa sengeyaal Carbeed oo duqow ah kaxeeyo oo hadiyad uga dhigo ugaasyada. Nasiibwanaag, hawshaasi waa kala daadatay, faras aan hore loo baran oo qorux iyo tamar aan dhulalkan la aqoon lihi socodka safarka ugu horreeya ayaa lagu xadi lahaa.

Filo cutubka xiga, buugga oo dhammina waa dhow ayuu soo bixi doonaa ee la socda. Wixii talo, tusaalayn, sixid iyo xusuusin ah aad ayaa loo soo dhawaynayaa, mahad mug lehna waa laga naqayaa.

Mahadsanidin.

  1. Kur, fiiq, qar iyo tog walbaa sida uu u egyahay ayaa loogu magac bixiyaa. Sida, Buur Cad, Libaaxlay, iwm. Magacyaada la wada yaqaannaa ma qabatimaan rabitaanka bulsho ee dadka aan ilbaxa ahayn. - [B]
  2. Saytuunku waa kan Qur'aanku sheegay ee saliidda laga dhaliyo. Geedmirood kale oo Soomaalidu magacaa u taqaan ayaa jira (Guava). - [T]
  3. Gobol koofur-galbeed Faransiiska ku yaal. Badda Mediterranean ayuu kulaalaa. Meelo kale oo magacan la wadaaga ayaa iyaguna jira. - [T]
  4. Feet (wadarta 'foot' ama cag). Cagtii waxay u dhigantaa 12 sentimitir. - [T]
  5. Geedkii belada qabay ee Naarta aakhiro lagu sheegay ayaa loogu magac daray. Waa kan Aayaddu dhigayso "[…] Inna Shajarat-il-Zaquumi dhacaam-ul-athiimi… (Ilaa dhammaadka Aayada)". - Tarjume
  6. Dhisme guriga irdidihiisa sidii hoosadii ugu qabsan oo tiirar dhowr ahi hayaan. - [T]
  7. Dagaalkii Crimea (1853-1856). Xulufo ka koobnayd Faransa, Boqortooyada Ingiriiska, Boqortooyadii Cismaaniyiinta iyo Sardinia oo isku dhan ahaa iyo Ruushka oo ka soo hor jeeday. Ruushka ayaa lagu jabshay dagaalkaa. - [T]
  8. Aftahan iyo hoggaamiye caan ka ahaa Giriiggii hore. [T]
  9. Dad (ama boqortooyo) la sheegay in ku noolaan jireen Nuuba iyo Kuush xilliyadii Roomaanku Africa qabsaday. [T]
  10. Thermometer waa qalab heerkulka cimmilada kulayl iyo qabow lagu cabbiro. - [T]
  11. Dhagax yar oo finiin la'eg ayaa carrabka hoostiisa lagu qabtaa marka oon daran laga baqayo. Sida ay u badantahay xigmaddu waa in qofka afku aanu ka dhacaan beelin oo aanu qallalin. - [T]
  12. Corinthians (Corinth) waxa ay asal ahaayeen dad Giriiggii hore ahaa. -[T]
  13. Waxa aannu bixinnay [saddexda rati] maro 24 baac oo bafto ah iyo tan suufka buluggaa ah oo laba ah, qiyaasta waxay isku ahaayeen saddex shilin. - [B]
  14. Dadka degaanku waxay ku magaxaabaan Jirac, qiyaas ahaan ¾ inji ayuu midkii dherer la'egyahay, wuxuuna leeyahay qaniinyo sidii qodaxdii wax u mudda aadna u xanfafta muddo daqiiqado ah. - [B]
  15. Waa aagga dhulka 'Oogo' lagu magacaabo. Aagga kale ee ka hooseeya xagga xeebtana ka xiga 'Guban' ayaa la yiraahdaa. - [T]
  16. Geedkani waa waabayda laga baqo ee Soomaalidu sunta waabayda ka soo saarto, tan leebabka la mariyo. - [B] – Waa geed madow wareegsan oo aan sidaa uga duwananayn bay [?] Wuxuu ka baxaa kuraha dhinacyadooda, badanaana 20 cagood ka ma dheeraado qararka iyo gebiyada . Waxa uu u baxaa cutubyo qurac madow u eg, marka ay quracda ka ag baxaan. Qodax ma leh caleentuna waxay leedahay qaabka laurel oo aanay lo'du taaban, in abaari ku khasabto mooyaane. Waxa kale oo uu leeyahay ubaxyo qurqurxoon oo basali-cad ah iyo miro la cuni karo oo madow marka ay bislaadka yihiinna casaada ah. Diirkiisu waa khafiif, laftu waa hurdi cufan oo aad u adag. Xididku waa sidii dhanagsi liquorice qaabab kala duwan loo diyaariyo, waxa ka soo baxaana waa wax sun midabku madow dugul ah u egyahay. Dalmarro ayaa si aan saxnayn ugu qaatay in sunta leebka ee Bariga Afrika laga soo saaro dhacaanka geedka Euphorbium. - [B en.]
  17. Jiilaal waa xilliga engegga ah oo Diseembar ilaa Abriil ku aaddan. Dhulku markaa waxa uu n oqdaa abaar (Carabiga waa Jaxr). Reerguuraagu waxay u guuraan sanaagga hoose ee daaqqa laga heli karo. Qaar ayaa xilli shanaad ku sheega Kaliil, ama hanfiga u dhaxeeeya Jiilaalka iyo maansuunka. - [B]
  18. Kashiito iyo yeedaddo, waa magacyo kale oo loo yaqaan xawayaankan. - [T]
  19. Dhaartani waxay u egtahay dhagaxyacaabudka Carabta ee laga keenay Xabashida iyo Gaalladii reer Saba. Badwida Ciisaha iyo Gadaabursigu waaba ay kaga sii kalsoonyihiin dhaarta diiniga ah ee la wada yaqaan. Marka qof la tuhunsanyahay uu dambiga inkiro, qaalligu inta hortiisa dhagax dhigo ayuu leeyahay "Taabo!" Waa dhif in uu beenlowgu ku dhaco taabashadiisa. Mararka qaarkood Soomaaligu dhagax buu kor u qaadaa oo yiraahdaa "waa iga Dhagaxa", guud ahaan in la rumaysto ayaa dhacda. - [B]
  20. Carri Ireland ku yaal. - [T]
  21. Sannado ka hor ayaa ay haweeneey Faransiis ahi Berbera ka soo degtay. Wajigeedii caddaa ayaa nin walba xaaskiisii nacsiiyay, haweeneey walbana nafteeda nacsiiyay, sida Yawmul Qiyaame sheegay. Ma garanayo tan ay haweeneeydu ahayd, laakiin wajigeeda soo jiidashada lehö iyo diraceeda xariirta madoow ah ayaa xusuus dheer ku reebay qalbiga Soomaalida. Xeebta ilaa Harar wali si wayn ayaa looga xusuustaa. - [B]
  22. Qoriga dheddig waa kan godka kan kale lagu xurbiyo leh. Madag (madko = wadar) ayaa la yiraahdaa, waana qaab dabiici ah oo dabka lagu hursado, hadii aadan dab aad ku qabsato iyo kabriid midna helayn. Isliska labada qori iyo ciidda ayaa waxaa ka dhasha kul dab huriya. [T]
  23. Muquus waa liijaanka/xakamaha faraska qaybta birta ah ee afka loo gesho. [T]
  24. Bir qoolaaban oo nooc isboorti dhaqameed Yurub lagu ciyaaro. Qoolaabta ayaa meel xoogaa yool dhulka suran u jidha laga soo tuuraa, iyada oo lala beegsanayo kurtun dhulka mudan oo la doonayo in lagu qoolo. [T]
  25. Maansahawleed ugaarsiga loo adeegsado oo u gooni ah. Maanyo (maanyood) ayaa guud ahaan loo yaqaan. Waxa dhici karta in ugaarsiga maroodigu hees u gaar ah lahaa, la ma se hubo. - [T]
  26. Baal goroyo madaxa bartankiisa, timaha dhexdooda, laga taagto iyo jijin foolmaroodi ah oo cududda lagu xidho. Labada ba ragga ayaa lahaa. - [T]
  27. Ab'ogaaga raaska Koofur Afrika dega. - [T]
  28. James Bruce. - [T]
  29. Achiles tendon. - [T]
  30. Gordon Cumming wuxuu ahaa ugaarsade Ingiriis ah oo Afrika ku caan baxay. Burton ayay ciidammadii Ingiriiska ee Hindiya mar ka wada tirsanaayeen, "Xaaji Cabdullah" waa isaga Burton ah. - [T]
  31. Kooraha roggiisa hore ee soo godan. - [T]
  32. Dabagelisku waa xarig ama suun kooraha ku xariira oo faraska saynta loo suro, si aanu kooruhu hore ugu durkin. Awrta marka la rarayo xarigaa oo kale ayaa iyagna loo adeegsada. - [T]
  33. Erayada 'mood' iyo 'ku liibaan' waxaa loo adeegsadaa debbaaldegyada fardoolaydu ka qayb gasho, sida caleemasaarka ugaasyada iwm. Erayga hore waa salaan sharaf, kan dambana waa jawaabtiisa. - [T]
  34. Qofka gammaanka xannaanadiisa, daajintiisa iwm ka shaqeeya . - [T]
  35. Soomaalidu waxay ku magacaabaan Xiddig ama Caanaqub. Mudacyada waxaa loo adeegsadaa in madaxa lagu xoqdo [firin], Cadanna iib ayaa loogu dhoofiyaa. - [B] – [Xiddig ama Xiddigdhuleedda (kuuleey) iyo Caanaqubtu (kashiito) waa laba xayawaan oo kala duwan, tan mudacyadeeda firinka laga dhigtaa waa Caanaqubta]. - [T]
  36. Waxay u taagantahay waxa af Ingiriisiga "manuscript" lagu yiraahdo oo noqon kara qoraal ama gacanta caadiga ah lagu qoray ama firiqsan oo aan kitaab jalladan ahayn. - [T]
  37. Heeran waa inan gabarnimo ku waynaatay oo meel kale oo aan reerkoodu deggannayn u guur iyo geyaan doonata. - [T]
  38. Taariikhda iyo magaca dhabta ah ee qabiilku sidaa kutirikuteenta aan raadka lahayn ah aad ayay uga duwantahay. - [T]
  39. Cayaal Yoonis, jilibka ugu wayn, wuxa uu ka koobanyahay afar lafood. 1. Jibriil Yoonis. 2. Nuur Yoonis. 3. Cali Yoonis. 4. Aadan Yoonis. Jilbaha kale ee waawayn waxa ay kala yihiin; 1. Mikaahiil Dheere. 2. Reer Ugaas. 3. Jibraa'iil. 4. Reer Maxammad Casse. 5. Muuse Fiin. 6. Reer Abbokor. 7. Bassanah [?]. 8. Bah Habar Xasan. 9. Cabdillaahi Mikaahiil. 10. Xasan Mikaahiil. 11. Aayah Mikaahiil. 12. Bassanah [?] 13. Xasan Waraabe. [B fn.]
  40. Dadka caddaanka ah eeYurub iwm. - [T]
  41. Nooc eyda ka mid ah ayaa Russian Pointer la yiraahdaa. Wuxa uu ka soo jeedaa sinjiga guud ee eyda Pointers-ka la isku yiraahdo ee dhogorta cufan leh. - [T]
  42. Bobadil (Captain Bobadil), qareen (character) faan iyo isgiijin badan oo ku jira sheeko uu qoray qoraaga caanka ah ee Shaarlis Dhikins (Charles Dickens). - [T]
  43. In ugaas beeleed ey lagu sheego waa wax aad u xun, se wuxa uu illowsanyahay in uu magan u yahay dadka uu ugaaskooda caayayo. Xeerka maganta Abbaanka oo aad u adag ayuu ku badbaaday, isaguse wuxuu u qabaa in ay doqonnimo ka tahay ugaaska. Waxaa kale oo dhici karta in aan la garan waxa uu yiri ama la maqal marka uu caytamayay. [T]
  44. Carri Hindiya ka mid ah. Taskani (Tuscany) waa gobol Talyaaniga ka tirsan. - [T]

Cutubkii 7aad: Bancawseedka Maraar ilaa Harar

Subaxii Deseembar 23 ahayd, ayaan hiirtii hore kulminnay safarkii loogu talo galay in uu Maraar naga gudbiyo. Dhulkan dhexyaalka ah ayaa waxaa ku kulma Ciise, Bartire iyo Habar Awal, si ay safarrayda ugu dhacaan oo ugu bililiqaystaan hantidooda. Soomaalidii argagax ayaa ku dhacay markii ay arkeen qof baxsad ah oo xeradeennii isaga oo qaawan ku soo dhex dhacay, ka dib markii uu lafahiisa dirqi ku la soo baxsaday. Ma ahayn safarkayagu mid aan waxba laga dheefayn ee hargo yar iyo tebbedo subag sixin ah oo loo sitay in lagu beddasho Haruurka beeralayda Geri ayaa raran. Sidaa oo ay tahay, waxa ugu yar ee burcaddaasi ay dheef bidaan si kal iyo laab ah ayay u marooqsadaan. Hantidayadu waxay ka koobnayd afar ama shan rati oo beer laalan, qiyaas ahaan 50 dameer oo dhegaha laga suntay iyo wehelka aan waligood laga ag waayin carriga Soomaaliyeed, waa dumar sirqo ah e. Habraha waxay u muuqatay in lagu xusho da', foolxumo iyo xoog. Maalintii oo dhan ayay ilmahoodii oo ay dhuugag ku xambaarsanyihiin dhabarka ku sidaan, isla markaana qaadaan alaabooyin culculus, iyaga oo aan waxba daal ahi ka muuqan. Waxaa kuwaa ka mid ahaa badwiyad laga dhintay oo lagu garanayay "Weerka"1 cad, waa falliiq mayrax ah oo gambadeeda xayrta leh lagu dul xiro.

Waxaa iyaguna na weheliyay saddex wadaad oo qalabkoodii u dhanyahay iyo xertoodii aalaaba daallanayd. Qur'aanka ayay afka ku hayaan, mar walbana Faataxada in la maro ayay soo jeediyaan. Magaca Alle si joogto ayaa uu bushimahooda uga qoyanaa, waxayna xammaasad waalli ku dhow ku falanqaynayeen mas'alooyin dineed Fiqi la xiriira, sidii Gil Blas2 iyo saaxiibbadii. Midkood waxaa looga dambeeyay 'Faalka' ama tafaafulka, wehelladayda oo si joogto ah ula tashanayayna wuxuu ogaysiiyay in saxar aan duurjoog ahayn ayan ka baqin. Saadaasha wuu haleelay. Aan se raacsho e, la iima sheegin ilaa ay dhabowday. Abbaaraha 12:30 duhurnimo ayaannu sadcaalkayagi ka bilownay dhul adag oo taag ah, iskujir geedqodxeed iyo durdurro ah, oo markaa ku soo dhacnay warraq bagaag dhagaxa ah oo laba teed oo buuro ah u dhaxeeya. Midigtayada waxaa ku yiil fiiq dhuuban oo dusheeda burbur guryaad ku yiil. Abtidoon, igaar Gadabuursi reer miyi ah oo seesidda baqalladeenna loo shaqaaleeyay, waxa uu sheegay in halkan uu ku aasanyahay waligii Sheekh Samawai (Samawacad). Waayadii hore laasas dhawr ah ayaa ku yiil bannaanistaa kuraha u dhexaysa, waxa ay se la libdheen kuwii ka cabbi jiray.

Mugga waxaannu soo galnay Bancawseedka Maraar, mid ka ka mid ah jiidaha dhaadheer ee bananka dhulka Soomaaliyeed isku dhafan. Ballacu waa qiyaastii 27 mayl, xagga bariga waxaa ka soo xeera dhulkii labarogmayay ee aannu soo marnay, xagga galbeedna Gurays, silsilad fiiqaq ah oo buuralayda Harar ka soo farcanta. Guud ahaan, kalashubku waa waqooyi iyo koofur. Jihada hore waxaa dega Ciise, tan dambena waxaa laga arki karaa figaha Qadaw iyo Madar oo ay degaan qolooyinka Habar Awal. Silsiladahaasi waxaa la ii sheegay in ay dhereranyihiin ilaa carri Ogaadeen. Sagxadda dhulku waa dhul wanaagsan; carro madow iyo godad bahallo yar yari ka buuxaan. Waa dhul kan ugu soo waxsoosaar badan noqon karay, ciidqaadka korena waxaa fidsan caws dhaadheer oo cadceedi togtay oo aan kala go' lahayn ilaa marka meel looga jeedo la moodo gaska velvet3 hurdi ah. Waadiyada is dabayaal ee qaada biyaha ka soo rogma roobka kuraha ku hoora waxaa ka baxa geedgaab iyo geedqodaxeed garabka isku haya, cawskuna si caalwaa leh ayuu u cagaaranyahay. Sidaa oo ay tahay, dhulku waa ciiddaa rogan oommane ah. Biyo iyo xaabo waa ka dhif meel buuraha xoogaa u jidha, badwida kuwooda ugu dhiirranina ku ma dhacaan in ay u babacdhigaan khatarta kooxaha burcadda ah, kulaylka milicda maalmeed ee daran iyo qabowga lafajabiska ah ee habeen. Si ay ahaato ba, banka daafihiisa ayaa waxaa ka sii muuqday raadadkii jabaddo laga guuray oo is dabayaal.

Duhurka markii ay la sinnayd ayaannu ka gudubnay godeenkii dhexe, halkaa oo aan qurac xabagti kaga qadaynnay, raxanno ugaar ahina geedaha harsanayeen. Waxaan ku dadaalay in aan Siigga saynta cad iyo Biciid ciideedka waawayn toogto. Ha se yeeshee, yabaqa safarrayda ayaa ii qoonsaday.
Wax yar ka dib, waaannu ku nimi jibaallo haruur iski uga baxay xabbado socoto ka qubtay. Kani waa aragtidii ishaydu ku diirsatay badar ee iigu horraysay ilaa waagii aan Bombay ka imid: carriga qabriga Gacankudhiiglihii ugu horreeyay waligiiba Triptolemus falasho waa uu ka caagganaa, Zaylacna iyadu waa ba sallax ciid ah oo aan wax ka bixin4. Weheliyeyaashaydii si boob ah ayay u amaayuugeen dhuuxa "qasab" Afrikaaneedkan, in kasta oo lagu yaqaan in uu qandho keeno. Iyagii ayaan ku dayday aniguna, waxaana aan ogaaday in uusan sonkor xun uun waxba ka yaraysan. Badwiyiintii dameerahoodi caddaysinka ahaa ayay waxay ku rarteen bocorka kharaar ee Ubbada la yiraahdo oo xagga kore qare uga eg. Marka la qaabeeyo, la qallajiyo oo la deebiyana waxay noqotaa sida dhiil Soomaalida iyo agab reer magaal. Gabbaldhacii, markii ay qorraxdu aayar buuraha galbeedka fog ah dabadooda baalka dhigatay ayuu Bancawseedkii midabkii hurdiga ifaya ahaa iska rogay oo dahabi cawd basali ifaya ahi dedey oo qurux aan la suurayn karin la soo baxay. Xayawaannadii cidla'da ayaa bilowday in ay soo muuqdaan. Dhagajuun gabbanaya iyo dawaco ido badan baryahood ku naaxday ayaa weheliyeyaashaydii uga dardaar weriyay in habeenkaa subaaca hororka ah la iska jiro. Halkaa war dareen leh ayaa gorodda la is gashaday, waxaana la ii sheegay in dhowaan libaax sagaal dameer safar kala haray. Habeenkii markii uu madoobaaday ayaa qaafiladii badwida oo si fudud u rarnaydi naga hor martay, awrtayadii daallanaydna gadaal fog daba gashay. Dhanka dambe ayaannu soconnay, si aan haraadi uga hortagno, markii si kedis ah ratigii dabaadiga oo ugu dambeeyay uu dareen dhegaha nabtay oo damcay in uu luqunta dadbo. Haddii aan gadaal dhugtay, waxaan gartay hummaagta xayawaan ballaaran oo degdeg sharqan yari leh nala daba socda.

Weheliyeyaashaydii xabbad waa ku ridi waayeen, iyaga oo nin ay moodeen uga baqay. Ugu danbayntii, iyada oo uu dayaxu in shiish saxan la gano uu aad ugu if yaraa ayaa markii xabbad rayfal ay hawada jibaaxay libaax duqoobay dibadda ku dhacay. Argagaxii ammuurtaa laga qaaday habeenkaa maad ayuu isugu dhurtay. Geesigii Buux ahaa, ee sida ka muuqata goobo badan oo la isku galay haaraha ay u yeeleen, inta uu gacmaha kor u tuuray ayuu qaylo waallan "Libaaxa! Libaaxa!" yiri. Habeenkaana wax aan taa ahayn lagama hadal.

Buuraha galbeed ee cirfiidka u eki waxay u muuqdeen in ay sii yaryaraanayeen markii aannu banka siman ee aan dhammaadka lahayn ku sii baxnaba. Markan dhulkii waxa uu noqday daalaadhac aan sinnayn oo kax dhagaxa ah. Baqalihii boholo dhaadheer ayay kufaakaceen, awrtuna dirqi ayay ku luudayeen. Haddii aannu sii soconnay, Wadaaddayadii, masaakiin dheh!, oo maalintii oo dhan haweenku cayrnimadooda ku 'carinayeen' ayaa bilaabay in ay Qur'aanka aad u akhriyaan, si ay mahad uga celiyaan khataro badan oo laga samtabaxay. Haddii habeenkii dumay, waxaa na soo jiitay muuqaal yaab leh. Jiid ballaaran oo belel ifaya ah oo i soo xasuusiyay webigii dabka ahaa ee Hanno5 ayaa buurta hoos uga hoobatay, sidii ay weheliyeyaashayda la ahaydna waa mid bancawseedka oo dhan khatar gelinayay. Shilalka noocan ahi waa caadi. Qadhaabte ayaa geed sur malab uu ka jabsanayo gubaya, ama meel caws qallalan leh cunno ku dhex karsanaya, dabadeedna dabaysha ayaa qaadda ololka oo uu meel dhow iyo mid dheerba ku faafaa. Markan wax shil ahi ma dhicin. Hase ahaatee, buuruha ayaa laba maalmood sidii Solfatara6 u qiiqaabayay.

Abbaarihii saddex saac oo habeennimo ayaannu dhawaq maqalnay, waxaana la i faray in aan buntukhayga xabbad ka rido, waa intaa oo xerada nala ku oodaaye. Waqti ku habboon ayaannu ku gaarnay degmo safaf oodo gaagaaban ah. Waa taxanyihiin, waxayna gaarayeen 60 ilaa 70 goobo loo dhigay, si ay xayndaab u sameeyaan. Maadaama geedqodaxeedku halkan ku yaryahanyna, dhir yar yar ayaa ilaha guryaha u dhaxeeya lagu googooyay. Dadka oo isugu jiray Geri iyo Gadaabursi reer miyi ah ayaa soo xoomay, si ay kuurkooda uga bogtaan, annagase kaftan iyo sheeko dheer nooga ma ay caddayn. Rarkayagii ayaa si dhakhso leh xerada agteedii loo tuumiyay, baqalihii iyo awrtii habeenka ayaa laga dabray, dabadeedna annaga oo aan casho dhadhamin oo dhaxan la qarqarayna ayaannu darmahayagii hoosta ka xaluulannay oo dig niri. Maalintaa, ku dhowaad 15 saacadood ayaannu soo fuushanayn, nasiyadeennuna qiyaastii 30 mayl iyo 240° koofur galbeed ayay Kooraley kaga beegnayd.

Dibudhac kale iyo dhambaal labaad oo Garaad Aadan loo diray ka dib, duhurradii markii ay ku beegnayd ayaa waxaa soo muuqday mudanaha xaaskiisii lixaad, waa geesiga Buux ah walaashi e. Weheliyeyaashayda oo in haweeni magan geliso iska la waynaay imaatinkeedu xiise uma lahayn. Si ay ahaataba se, 'Dahabo' waxay ugu laabqaboojisay iyada oo noo sheegtay in Garaadku soo diray wiilkiisii waynaa ee Shirwac ahaa oo uu dalmariye ahaan u soo diray. Ugaasaddani waa marwo gypsy u eg, si hilan u labbisan, ilaa 30 jir ah, suure baxsan leh, adaab kalsooni ku dheehantahay leh oo 'fudayd' ku caan baxday. Xishood badani wajigeeda ka ma muuqan markii aan salaamay, hadiyaddii ku habboonayd oo maro cusub oo qurxoon ahaydna farxad sawaxan leh ayay ku guddoontay. Abbaarihii 10 saac oo galabnimo ayuu soo laabtay dhambaalsidahayagii labaad, isaga oo Garaadkii ka sida dhambaal canaan ah oo sababta aannaan si degdeg ah ugu soo gaarin ku saabsan. Wuxuu calaamad daacadnimo u soo dhiibay budhkiisii, ul budh ah oo qiyaastii laba cagood dherer la'eg, mardimo midabbo casaan, madow iyo hurdi is beddelaya, dhakadana lagaga dhejiyay madax sidaa oo kale u samaysan7.

Waaberigii Diseembar 26 ahayd ayuu Shirwac, dhaxallaha la filayo inuu budhka Garaad Aadan qabto, oo geenyo yar fuushani soo dhigtay. Aabbihi ayaa saddex maalmood ka hor noo soo diray. Ha se ahaatee. Gadaabusriga oo malahana xeradeenna gaar ka hayay ayuu ka baqay inta ay iyaba ka baqaan isaga, ilaa uu hubsaday in ay nabdoontahay si uu soo galo. Si xushmad leh ayaannu u qaabillay, isaguna wuxuu kaga naqay in uusan Buux dib u noqon, ilaa ay balbaladiisa malab ku wada muudsadeen. Geesinnimadii Abbaankaygu hadda waxay noqotay isku daarasho. Xataa Yawmul Qiyaame oo heerkulka geesinnimadiisu ay ilaa muddo hore eber ka hoosasaysay ayay dhacdadu dhiirrigelisay. Wuxuu ku dhuftay, isaga oo aan looga baran goobaha halista ah, baydadkii tixda colyahannada Carbeed marin jireen:

I have crossed the steed since my eyes saw light,
I have fronted death till he feared my sight,
And the cleaving of helm, and the riving of mail
Were the dreams of my youth,—are my manhood's delight.

(Ilaa indhaygu ilays arkeen sangeha waa kooraysan jiray
Mawdka qaabilay ilaa u wajigaygaba nacay
Ama dhambalidda koofiyad dagaalka iyo tartariiqa cambuur bireed
Ilaa waagaan yaraa waa ku taami jirayoo
Waa ragannimadayda ku diirsigeed.)

Markii aannu rariddii dhammaynay ayaa baqal koorihi la waayay. Shirwac waxa uu dalbaday in martida aabbihi dhakhso loogu soo celiyo hantidoodii, maxaa yeelay ayuu yiri; alaabta oo dhan hadda Garaadka ayaa leh, annaguna, illeen sina ba uga ma naallee, fal ayaannu degmada ugu hanjabnay. Shaygii waxa laga helay xas aan sidaa u sii fogayn. Tani waxay ahayd xatooyo tii noogu horreeysay noogu na dambeysay ee na loo ku geysto carriga Soomaaliyeed. Dhulalka ilbaxa ah ayaan ku safray, wax badanna waa iiga lumeen.

Markii ay laba saac oo habbeennimo ahayd ayaannu waqooyi-galbeed afka saarnay oo cagta koofureed ee buuraha Gurays raacnay, dhakhsana u soo gaarnay darafta bancawseedka, halkaa oo wadiiqo si fiican cagta loo mariyay na xasuusisay in aannu mar dhow agabarta ka dhammaanayno. Lix mayl markii aannu sii maqiiqnayn ayaannu dhanka midig u weecannay, taallo dhagaxyo ah oo geedo barakaysani hareeyeen oo uu Sheekh Cabdilmaalik ku aasanyahayna Faataxo ku sii akhrinnay. Meel meeshaa wax yar ka durugsan waxaa durbaba banka ka soo foocay xayn kaaniyaallo qasriyaysan ah oo ciraanaysi badan oo waalan laga sheego. Safarraydu mar walba hoosteeda ayay ku furtaan, qofkii dusha sare seexdana jinni ayaa ku dhaca. Maalin timaaddadaa ah Harar waa la burburin doonaa, 'Jannah Siri'na waxay noqon doontaa magaallo bullaasha. Dusha ayaannu uga baxnay, wax naflay ah oo aan galayrro, bawne, guumays iyo nooc qurxoon oo gorgor madow ahaynna ugu ma aannaan tegin. Waxaa ku yiil haraadi badan oo guryo burburay iyo ceelal ah, halka dhakada dhinacyadeeda ay ku yaalyaalleen cutubyo geedka Bisiqa la qaddariyo ah. Sidaa aan yeelnay fal caqliyaysan ma ahayn. Badwiyiintii mar uun ayay ku dhawaaqeen in aannu qalcad 'sahansanaynno', warkaa baasna Harar ayuu nooga horreeyay.

Markii aannu mayl ka soconnay Jannah Siri ayaannu xirmo dhul taag sare ah ka gudubnay. Durbadiiba, sidii sixirkii ayuu muuqaalkii isu beddelay. Hortayada waxaa dhaca Alp8 yar, waa aagga labaad ee Buuralayda Itoobiya. Hareeraha waxaa ku yiil buuro dhaadheer oo dhagax fiiqan ah, dhinacyadu Saj teak iyo Dayib la madoobaadeen, rakooyinkana teel teel tiin ahi daboolay. Hoosta waxaa mara tog qoto dheer oo dhexdiisa ay qulqusho dulundulco biyo saafi dhalaalaysa ah. Waa muuqaalkii ugu farxadda badnaa ee ilaa hadda aannu aragnay. Hore marka looga sii socdo, gaan buuro ah oo ilaa ilikuwareedhay daliig toosan oo dhul lafcir u eg oo la moodo bad meel dheer ka muuqataa ay hareeraysay ayaa durba dooxooyinka dugsoon ka soo kuday. Gadaashayada oommanihii agabarka ayaa afka soo kala haya, hadda se waxaannu gaarnay cirifyadii ilbaxnimada, halkaa oo dadku inta xooladhaqashada ka tagaan negaado, beero fasho oo uu nolosha raaxooyinkeeda u jeesto.

Beeruhu waa jaamo degaandegyada buuraha dushooda ama dhinacyada dooxooyinka waran oo ay kala qaybqaybiyaan teedad geed ubax leh ah, wadiiqooyin aan ka duwanayn kuwii miyiga Igland ay u dhexeeyaan. Markii aan u sii dhawaadayna daisy-ga, thistle-ka iyo sweet briar ayaa indhahayga Yurubiga ah u doojiyay. Tuulooyinku negaadi ayay qaayibeen, Aqalkii iyo xeradii waxaa beddelay Gambis ama mundullada gambaleelka u eg ee Afrikada Dhexe. Waa mundullo wareegsan oo bal haruur lagu sarbay, dhoobo adag lagu malaasay, dushu waa gembis caws adag oo dhalo dhuuban loo taagay, figta sarena uu ka muuqdo udubdhexaad qolofta ukun goroyo taaj looga dhigay. Xayndaabyo qodax adag ah ayaa degmooyinkaas oo buuraha dhinacyadooda oo dhan ka mukaysan ku xeeran. Badankooda waxaa u dhow cutubyo geedo ah, dhinacyada koofureedna waxaa sidii buulal shimbireed ka lusha dhulubooyin dhaadheer oo dermo ah, waa gaaguurta gobolladan e. Badar hurdi ah ayaa beeralayda tacabkoodii uga soo go'ay. Meelaha qaarkood laamaha dhaadheer oo sabuullada hoostooda la isaga xiray ayaa ummaag ummaag dhilid u diyaar ah u yaal, sidii shucaysyo9 la tuunshay. Meelo kalena, dhulka bannaan ayaad ku garanaysaa in hawshii hore loo ladhammeeyay. Wiilashu rakooyin dhis ah ayay geedaha dushooda ka dhakoolaan, iyaga oo dhawaaq sare ku eryaya shimbiraha badarka guranaya, halka ay aabbayaashood balka ku goynayaan majooyin liita, ama tuumsiyo bal ah finjileyaal xun xun la dhacayaan, ama badarka qashirka ka saarayaan iyaga oo badeel loox ballaaran ah dabaysha kor ula bitinaya. Dumarku mooyayaal geedo ka qoran ayay sabuullo caananaas sidiisii u baxay qasharka kaga tuurayaan. Sagxadda goobta badarka lagu tumo digo lo'aad iyo biyo ayay ku malaasayaan, si ay cayayaannada uga difaacdo, dabadeedna sabuulladii masaggada ayay tuumisyo hurdi qurxoon ah ka samaynayaan inta xirmooyin midabbo kala duwan leh dherer u dhigaan oo kuwo kale dadab isdhaaf ah u saarayaan. Halkaa middabadu waa casaan iyo basali bunni galay, balka harana sida badarka oo kale ayay xanan lagu meegaaray dhex tuumiyaan. Dhammaan waxay u muuqdeen kuwo hawsha ku raaxaysaya. Heesta goynta beertu si wacan ayay dhagahayagu ugu raaxaysanyeen, kaa oo marka loo eego agabarkii aammusnaana yabaqa meel dad degganyahay uu miyuusig noo ahaa.

Hoobadkii markii aannu ka degennay ayaannu toddoba mayl oo socod ah dabadood durdur xareed ah oo Kobboda (?) ama dooxada jara dhinaciisa ku nasannay. Waxa uu xagga waqooyi biyaha ugu shubaa xagga Ogaadeen, sida dalmariyeyaashaydu ii sheegeen, abbaartaasina waa sax oo Harar aaggeeda kuro iyo durdur xagga bari ka yimaada oo galbeed u socda midna ku ma aanan arag. Dadkii Qotida ahaa ayaa dibadda usoo yaacay, si ay noo daawadaan. Ma ayan hubaysnanyn, sidii badawidana 'Buuri' baryadii nagu ma ayan soo dhowayn. Hakashadii ayaannu durdurrada ay dhinacyadooda Ayeeyolugdheerta waawayn ee basali iyo cagaar nugul ahi ka buuxdo ag degnay. Awrtii markii aannu ku soo noqonnay, waxa aan shiishay nooc tuke ah oo markaa dabadeed si joogto ah carriga loogu arkayay. Qiyaastii saddexlaab ayuu ka waynyahay tukaha Ingiriiska, midabku waa madow yusur ah, dhaladu waa xay cad, kubaystuna si aan caadi ahayn ayay u baxday. Gumaca uu xammilay inta uu la'ekaa ayaa iga yaabisay! Wadaaddo dhawr ah ayaa dabdeed soo ururay, si ay noo soo dhoweeyaan, dhawr Habar Awal ah oo safar ka soo noqdayna waa na salaameen, iyaga oo ciidankaygii "ilma adeero" ugu yeeraya. 'Wallee', ayuu ku jawaabay Xammaali, 'marka aynnu isla innaga nahay midba kan kale ayuu rubadda jaraa; marka aannu shisheeye la joognana ilma adeerrayaal baannu noqonnaa!'

Sagaalkii saac ee habeennimo ayaannu waddadayadii taaggii cagta sii saarnay. Meesha waxaa daadsan dhadhaabbo dhagax dixeed ah oo si la yaab leh u tuuran, meel walba oo ishu qabatana waa beero, degmooyin iyo biyo qulqulaya. Dabayl xooggan ayaa dhacaysay, Yawmul Qiyaamena wuxuu soo qabsaday maahmaahdii Soomaalida 'kulayl waad ka kacdaa, qabowse waa qabri'. Awrtii inta daalkii ka batay dabayshiina aad u cuslaatay ayaannu socod saacad iyo bar ah ka dib aqalkayagii ka mudannay degmo fogaan todoba mayl kuraha Gurays u jirta. Wadaaddadii suufiyada ahaa ayaa habeenka ilaa waqti dambe na soo jeediyay. Aw Samatar ayaa soo jeediyay mas'alada ah; 'Ma bannaantahay in buur dusheed lagu tukato iyada oo bannaan la helayo?' Haa iyo maya ayaa loo kala naqsaday, hadalkii dooddana si xiise dheeri ah leh ayaa la isu la banbaxay.

Subaxii Arbacada, hal saac iyo bar, ayaannu hoobad u dhaqaaqnay xagga 'Wilensi', buur yar oo salle siman leh oo aannu cagteeda ka filaynay in uu nagu sugayo Garaad Aadan, mid ka mid ah guryihiisii badnaa. Dooxo bacrin ah ayaannu sii dhex qaadnay oo taag kale oo tiban jid dhagax iyo jay ah sii tafnay. Shirwac oo martigelinteenna ku dedaalay ayaannu sii marnay. Hore ayaannu u sii luudnay, markii aannu mayl iyo bar laba saacadood nagu qaatay soconnay dabadeedna gaadiidkayagii daallanaa ayaa degmadii Garaadka soo gaaray. Markii war la helay, waxaa la ogaaday in ugaaskii uu maalintaa aaday degmo kale oo Sagharrah la yiraahdo, isaga oo ku hawllanaa soo ururinta laba faras iyo 200 neef oo ahayd lo' lagu bixinayay diyo uu Amiirka Harar ku helay nin laga dilay.

Markii aannu degmada dhereranta diifaysan ah ee Wilensi galnay ayaa kooxdayadii waxaa kala goostay labadii ooryood ee Garaadka. Xammaali, Kalendar, Shehrazade iyo Deenarzade waxay ku hareen Buux iyo walaashi gurigeedii; halka Guuleed Dheere, Yawmul Qiyaame iyo aniga nala geeyay gurigii Garaadka xaaskiisii ugu qurxoonayd, Sucdiya (ama Sacdiya). Waxay ahayd haweeney dheer, midab maarriin furan ah leh, oo si qurxoon ugu labbisnayd guntiino Harari ah, dhego qalin ah, iyo nooca qoorgashiga la yiraahdo Jalbad ama Qardhaas.10 Garaadadda ayaa amartay in waylaalisahayaga na loo ku fidiyo aqalka dhinaciisa wanaagsan, dabadeedna na siisay cunno ka kooban hilib lo'aad karis ah, bocor iyo soor haruur Jowaari. Muddadii yarayd ee aan gembiskaa joogay waxaan gacaliye Lumsdenoow kanshe u helay in aan u kuurgalo maamuuska iyo dhaqammada Somaalida negi ee reer magaalka ah.

Guriga gudihiisu ma camirna. Marka aad iridda gasho, loox qura oo biinan kaabiga kor kaga dheggani safeexado u yihiin oo dhab ahaanta farsamo aan qurxoonay ah, sida alaaba Spain iyo Corsica11 lagu arko; waaxaad u tegaysaa qolqol derbiyo cilinno dhis iyo dhoobo ka samaysani ay saddex qol oo ragga, dumarka iyo xooluhu kala galaan u kala qaybshaan. Gammaanka iyo lo'da oo habeenkii dhanka bidxeed ee iridda lagu xiro ayaa guriga ku sima kanshe habeenno badan lagu caweeyo. Ooryuhu dhanka midig ee dhadhaarrada waawayn ee jikada iyo dedib kor loo dhisay ku yaallaan ayay seexdaan, ragguna halka ugu wanaagsan, waa muska dambe ee ka soo horjeedka irridda ka fog e. Saqafka raarka ahi qaac yusur madow ku noqday ayuu la dhalaalayaa, isaga oo marka loo adkaysan waayo daaqad silloon laga neefiyo. Tani badanaa ma dhacdo, maxaa yeelay qaac, dufantiryo iyo wasakh diirisa cawaantu waa u bogtaa. Maacuunka ayaan isna aan sidaa u buurnayn. Geed jiriddi iyo laamo la soo jaray oo qodbo dhulka ku haya looga dhigay ayaa waxaa suran gaashaammada, warmahana derbiga ayaa la qotomiyaa. Kurtummo dhinacyada udub dhexaadka ka taagtaaganna waxaa la sursuraa dharka iyo alaabada kale ee aboorka (ama dhuuracasada) soo jiita. Dhiilo12 culan iyo fijaanno buneed calculus oo dhoobkii Harar ah, xeedhooyin salal dhaadheer leh iyo fandhaallo si qurux badan isla geedka laga qoray ayay maacuunta reerku ka koobantahay. Guriga waxaa deggan Garaado iyo canuggeeda Siddiiq, gacanyaro Oromo ah, gabdhaha adeegayaasha ah iyo Soomaali badan. Sidaa ayaannu mar walba u maqallaa saddex af oo guriga looga hadlayo.13 Waaberigii ka hor ayay oorida wanaagsani kacdaa, adeegtooyinka kicisaa, dabka hurisaa, oo quraacda subax diyaarisaa.

Maxdinka laga ma yaqaan halkan.14 Dhagax goobo sulub ballaaran ah oo culayskiisu 15 rodol ku dhowyahay iyo riiqe dhexroorku lix inji yahay ayaa loo adeegsadaa ridqidda haruurka, iyada oo labada gacmoodba lagaga shaqaysiiyo, isla markaana si qaab daran afarta iyo calaacalo lala jilbajabsanyahay maxdinka dushiisa. Mar mar waa in biyo lagu firdhiyo badarka ilaa cajiin wanaagsan oo in tannaarka loo tuuro u diyaar ahi uu ka samaysmo. Sidaa ayay ku qaadanaysaa shaqo dhawr saacadood ah, si loo diyaariyo rodol yar oo muufo ah.

Abbaarihii 12 saac oo subaxnimo ayaa quraac xooggan oo hilib solay lo' iyo idaba leh ah oo ay weheliso furin haruur Jawaari fuudna la isku la wada iidaamay la soo dhigay. Ragga wax yar ayaa wax weeso ah haleela, dhammaantood se waxay ka simanyihiin in ay cadaydaan inta ayan cunno u fariisan. Cuntada ka dib, qaar qorraxda ayay kadaloobsadaan, qaar kalana macaash ayay jarsadaan, ama xoolahooda duurka u daaq geeyaan ilaa shan saac maalinnimo oo waqtiga qadada ah.

Cunnadu is beddel ma leh oo mar walba waa hilib iyo haruur. Dadkani digaagga waa yasaan, khudaartana waxay u haystaan quud xoolaad. Dharaarta kala gabbasho ma jirto oo rag, dumar iyo caruurba guriga ayay soo galaan. Garaado oo iyada oo qaylinaysa wayddiinaysay in ay u yimaadeen in ay baabuun15 daawadaanna ma celin karin. Kirliga xiiso gaar ah ayay u hayeen. Qaar waxa ay ku sheegeen goroyo, qaar kalana mas. Si ay haataba, Sucdiya ayaa si dhakhso ah ku ogaatay waxa loo adeegsado, dabadeedna si aan loo adkaysan karina iiga bariday shaygan aan wax loo dhigo la helin. Maalinta oo dhan gabdhaheeda adeegtooyinka ahi waxay ku hawllanyihiin ridqid, karin iyo muran qaylo badan. Ragga shaqo ka ma dhacdo, marka laga reebo tubaakaysi, sheeko iyo in taalooge ku xeel dheeri uu guudka u firo. Galabtii gammaanka iyo lo'da guriga ayaa loo soo hoyiyaa, si loo liso (lo'da) oo loo xereeyo.16 Markii shaqadan la dhammeeyo ayaa dhammaan casho wehel leh loo jeestaa. Wax yar uun ayay hurdo ledaan, ilaa habeenku fogaadana waa soo fadhiyaan, iyaga oo dabka hadba qoryaha isu raacinaya, si rayn lehna koobab Farsho17 ah ugu dul sheekaysanaya. Dhawr mar ayaan isku deyay qooshkaan yaqyaqsi ayuu se ii dhadhamay. Dhadhanku waa biir madaxa toos u abbaaraysa, geed sun ah oo diirkiisa lagu daro darti. Ubbooyin qulco ah ayaa lagu shubaa, masarafad sabuullo haruur ka samaysanna waa la saaraa, dahaar suuf ah oo qulucda afkeeda yar ku gufaysan ayaa koobab iyaguna aan casri ahayn lagaga shubaa. Dadka cabbaa khamriga ayay hareero fariistaan maaddooduna waxay ka marag kacaysaa sarkhaanka ay leedahay. Subaxii madax xanuun iyo indho xamil ah ayay la soo kacaan; laakiin calaamadahaas dadkeenna shaqada badani haraamo Soomaalidu ma necba. Hurdo ayay keenaan, wax maskaxda shiidaadda ladan lagu maaweeliyana waa laga helaa. Aalaa iyada oo la buuqayo ayaan hurdo dhacaa, laga reebo marka kaladhal Cambar la yiraahdo oo safar uu Harar ku tegay ka soo noqday uu sheeko baralaydiisii nagu asqaysiiyo, ama baxdoowgii Abtidoon ahaa uu ka wareego tix sidaan u dhigan:

"'Tis joyesse all in Eesa's home!
The fatted oxen bleed,
And slave girls range the pails of milk,
And strain the golden mead.

Tis joyesse all in Eesa's home!
This day the Chieftain's pride
Shall join the song, the dance, the feast,
And bear away a bride.

He cometh not!' the father cried,
Smiting with spear the wall;
'And yet he sent the ghostly man,
Yestre'en before the fall!'

He cometh not!' the mother said,
A tear stood in her eye;
'He cometh not, I dread, I dread,
And yet I know not why.'

He cometh not!' the maiden thought,
Yet in her glance was light,
Soft as the flash in summer's eve
Where sky and earth unite.

The virgins, deck'd with tress and flower,
Danced in the purple shade,
And not a soul, perchance, but wished
Herself the chosen maid.

The guests in groups sat gathering
Where sunbeams warmed the air,
Some laughed the feasters' laugh, and some
Wore the bent brow of care.

Tis he!—'tis he!"— all anxious peer,
Towards the distant lea;
A courser feebly nears the throng —
Ah! 'tis his steed they see.

The grief cry bursts from every lip,
Fear sits on every brow,
There's blood upon the courser's flank!—
Blood on the saddle bow!

Tis he!—'tis he!'— all arm and run
Towards the Marar Plain,
Where a dark horseman rides the waste
With dust-cloud for a train".

"The horseman reins his foam-fleckt steed,
Leans on his broken spear,
Wipes his damp brow, and faint begins
To tell a tale of fear.

Where is my son?'—'Go seek him there,
Far on the Marar Plain,
Where vultures and hyaenas hold
Their orgies o'er the slain.

We took our arms, we saddled horse,
We rode the East countrie,
And drove the flocks, and harried herds
Betwixt the hills and sea.

We drove the flock across the hill,
The herd across the wold —
The poorest spearboy had returned
That day, a man of gold.

Bat Awal's children mann'd the vale
Where sweet the Arman flowers,
Their archers from each bush and tree
Rained shafts in venomed showers.

Full fifty warriors bold and true
Fell as becomes the brave;
And whom the arrow spared, the spear
Reaped for the ravening grave.

Friend of my youth! shall I remain
When ye are gone before?'
He drew the wood from out his side,
And loosed the crimson gore.

Falling, he raised his broken spear,
Thrice wav'd it o'er his head,
Thrice raised the warrior's cry 'revenge!'—
His soul was with the dead.

Now, one by one, the wounded braves
Homeward were seen to wend,
Each holding on his saddle bow
A dead or dying friend.

Two galliards bore the Eesa's son,
The corpse was stark and bare —
Low moaned the maid, the mother smote
Her breast in mute despair.

The father bent him o'er the dead,
The wounds were all before;
Again his brow, in sorrow clad,
The garb of gladness wore.

Ho! sit ye down, nor mourn for me,'
Unto the guests he cried;
'My son a warrior's life hath lived,
A warrior's death hath died.

His wedding and his funeral feast
Are one, so Fate hath said;
Death bore him from the brides of earth
The brides of Heaven to wed.

They drew their knives, they sat them down,
And fed as warriors feed;
The flesh of sheep and beeves they ate,
And quaffed the golden mead.

And Eesa sat between the prayers
Until the fall of day,
When rose the guests and grasped their spears,
And each man went his way.

But in the morn arose the cry,
For mortal spirit flown;
The father's mighty heart had burst
With woe he might not own.

On the high crest of yonder hill,
They buried sire and son,
Grant, Allah! Grant them Paradise —
Gentles, my task is done!"18

Durbadiiba, markii aannu Wilensi soo gaarnay ayaannu Yuusuf Dheere, waa Garaadka wiilkiisii labaad e, u dirnay in uu aabbihi u yeero. Muranno badan oo Xammaali iyo Yawmul Qiyaame u dhaxeeyay ayaan rabay in aan xalliyo. Kan dambe madaxtaag ayaa ka buuxay oo markan wuxuu isu xilsaaray jagada danjire Xaajiga ka socda oo garaadka Geri loo soo diray. Sidaa darted, wuxuu damcay in uu safarka hoggaamiyo. Dabadeed waxaan diyaar u noqonnay in aannu guurno, haddii ay dhacdo in uu Garaadku na jid marin kari waayo. Shehrazade iyo Deenarzade iyagu markii ay maqleen furuq Harar ka dillaacay ayay iyaga oo wajiyadooda la baqaya aad ugu baryootameen in laga tago. Dabadeed Kalendar ayaa lagu amray in uu hablahaa qurxaha badan ogaado, in kasta uu si ragannimo leh uga soo horjeestay. Geesigii Buux ahaa go'ii wacnaa ee loo ballanqaaday ayuu ku labbistay, maadaama aanay magaalada geliddeeda wax ku dirqiyaa jirin, inta hadiyado yaryar la siiyay ayaa la fasaxay.Dabadeed, nin da' wayn oo badawi Geri ah oo dadka badankiisu Saciid Waal u yaqaanneen ayaa loo dooray in uu na weheliyo. Awrtu, maaddaama ayan dhabbayaasha adag ee buuraha mari karin, rarowdayadii daallanayd daaq iyo nasasho ayaan u sii daynnay, Shirwacna looga tegay in uu ilaalinayo. Si aannaan uga dib dhicin kiraysiga dameeraha oo ah gaadiidka kaliya ee dhulkan oo ay noo dheerayd iyada oo la hubo in alaabadayadu ay halkan kaga ammaansantahay Harar agagaarkeeda ayaannu alaabada intii ugu muhiimsanayd uun ka xulanay oo ku cabbaynnya laba kolay kooreed oo harag ka samaysan oo uu dameer qur ahi qaadi karo.

Intaa oo dhan haddii si qumman meel loogu ogaaday; Diseembar 29, 4 saac oo subaxnimo ayaannu daabbadahayagii fuulnay oo iyada oo uu Saciid Waal na horkacayo dhanka waqooyi ee buurta Wilensi la laabannay oo jafle hoos dhabbe uu ubaxa dog roses udgoon hareereeray u la degannay. Ka dib, waxaa bilowday ka daaddegga kur dhagax hoos u tiban, derbiga warraq dhir badan oo dhererkiisa halalowda ah durdur dix wayn oo dhuubmay uu sidii daliig qalin ah u dhex dulundulcaynayo. Dhabbahan laga ma hawo qabo in ay mari karaan wax aan sida dameer u gommodo sugnayn. Dhagxyo goglan ayaannu aayar ugu soconnay xatabado quruurux ah oo haddana kayn qodax ah uga sii gudubnay. Sidaa ayaannu saacad barkeed ku soconnay. Banka hoose waxaa ka muuqday degmo Midgihii Garaadka ah oo u soo baxay in ay na daawadaan marka aan gudbaynno, iyaga oo socotada ilaa cabbaar daba socday. Mid ayaa wuxuu yiri, "buntukhiisu muxuu tarayaa? - inta uusan dab qaadan ayaan falaartan ka taagayaaye!" Dabadeed dushooda ayaan xabbad ka riday, halkaa oo gariirka aragaggaxa leh ee jugta aan la filayni ku markatay aan si dhagar leh ugu maadsaday.

Hore haddii aannu u sii soconnay, waxaannu ku soo dhacnay togga Xariirad oo halkaa ka sii socda. Waa tog dheer oo kayn jiq ahi cabburisay, jiid biyo xareed fallaaraha cadceeddu midab dahabi ifaya ah u yeeleenna dhex dulundulcaynayso. Soomaalidaydii waxay sheegeen in haddii maroodiyada meesha buuxaa laga layn lahaa bariis badan laga beeri karay toga dhinacyadiisa, waa cunnada qaaliga ah ee carrigan loogu jecelyahay e.

Jidkayagu wuxuu sii dhex maraa cutubyo geedo hoos leh ah hoostood, durdur qar ka shuba dushi, safaf tiin qodax leh ah iyo degaandeg haadaamo cagta dadku ay cabbirka siddeed ilaa toban cagood qarar dibir adag oo dhoobo guduud bacrin ah hoos uga qodday. Dhinac walba waxaa ka muuqday jarar dhaaheer, warraqyo iyo dildillaacyo dhammaantood xilligan wada qallallan. Beeralaydii aan hubaysnayn ayaa xaafadihii taxnaa ka soo yaacay, si ay noo dhugtaan, Soomaalidaydiina maadaama ayan degaankoodii joogin warmahoodii silloonnaa inta meel iska dhigeen ayay banaatiikh ku beddesheen. Jidkaa, markii aannu degmadii Aw Samatar maraynnay, gacallowyadu waa na hakiyeen, intii uu gaawe wayn oo caano karuur ah noogu maqnaa. Abbaarihii duhurrada, neecawda waqooyi ayaa milicda kulul daruur ku dabooshay, baqalladayadiina waxaannnu ka waraabsannay durdur buur ka hoora oo waddadayadii in 100 yaardi dhexdood ah laba meelood ka gooyay. Lix mayl markii aannu sii fuushanayn ka dib, oo togga madaxiisii gaarnay, ayaannu haddana bilownay in aan ku daadegno dhabbe karin dhagaxa mara. Muuqaalka nagu xeerani aad buu u wanaagsanaa. Buuraha dhinacyadoodu dhir fiican ayay lahaayeen, geedka Dayibkana waa la madoobaayeen. Figahooda sare waxaa ciid ka dhowray maansuunka culus oo dooxooyinka ciid bacrin ah ku daadsha, meelo badan oo biyadhacyo ahina sidii tarniigyadii ayay dhagxaanta madmadow ka dul dhalaalayeen. Degmooyin beero iyo xayndaabyo ku hareeraysanyihiin ayaa carriga teel teel u yaal, inta ishu qabatana waa fig basali ah iyo guro lafcir ah oo silsilad dheer oo inta ishu qabato is haysata ah. Degaandegga gebiga shishe ee dooxada waxaannu ku aragnay haraadi kayn qaddiimi ah. Waa dhextaallooyin kaymo yaryar oo gudinta ka badbaadey ah, gar ka garna cida digiiran iyo daayeerradu isu baxayso. Haddii dalagga hurdiga ah ee Haruurku sarreen ahaan lahaa, mar kale ayaan naftayda khayaali ugu sheegi lahaa in aan dhex kooraynayo degmooyinkii wacnaa ee Siennadii Tascany.19

Tobankii saac oo galbanimo, markii aannu 15 mayl oo dhul adag ah jarnay, ayay Sagarrah noo muuqatay. Waa degmo yar oo xayndaab dheer leh, si wanaagsan u taal, siddeed ilaa sagaal aqal oo buur dhinaceed ku qabsan ka kooban, dusha dhiri ka tahay, hoosna dooxo bacrin ah oo badarka lagu beero. Muggaan Saciid Waal ayaa noo tilmaamay Garaad Aadan oo guriga ku sii socday, isaga oo koox yari weheliso. Banaatiikhdayadii ayaan salaansharaf ahaan u ridnay, markaa oo uu hore u degdegay, si uu aqalkiisii si habboon noogu qaabbilo. Iridda markii aannu ku degnay ayaannu salaan gacanta ka salaannay, markaana inta shamuum foogan nala sii dhex mariyay nala geeyay qol qiiq leh oo daarka gudaha ah laga qolay, dabadeedna furin qamadi laga sameeyay oo malab iyo subag la kumbiyay nala ku sooray. Martigeliyihii inta naga tegay, si aannu u cuntaynno, ayuu dhakhso noogu soo laabtay. Nin wax badan oo dano ahi ku xirnaayeen ayaan si taxaddar leh u dhawrray.

Aadan Kooshin, muuqaal badawi xayaysi xooggan ah ayuu lahaa, intii aanan duub siinna timahiisa xooshka ah waa u cilaannaayeen. Waa ilaa 45 jir, ugu yaraan 6 cagood dherer jeeda oo xubno kala baxsan, dhoollo caddayn ku hodaysa iyo indho ku dhaafsanna leh. Dabci ahaan waxa uu ku bannaanaa mid ka mid ah doqommada wax dhagra ee sida ay u qaab daranyihiin ay adagtaahay in wax lala qaybsado. Hanwayne hunguri qaaday waxaa u dheer sal fudayd inta uu ka qabo. Waaxa uu u muuqday in maskaxdiisa waxa ku jiraa ay mar walba is rogrogayeen, saacad barkeedna aanu aayar meel salka dhigi karin. Salfudaydkiisa guud waxa uu calaamad muuqata u ahaa kiisa laabta fadhiya. In kasta oo uu geesi la yaqaan yahay, dhagartiisa ayaa magacxumo u soo jiidday. Muddo sanado laga joogo ayuu gabar uu dhalay u ballanqaaday wiilka curadka ah ee Garaad Xirsiga qabiilka Bartire, markaa ayuu haddana si xeerka gobannimada ee Soomaalida ka horjeedda gabadhii u guuriyay Maxammad Wacays oo Jibriil Abbokor ah. Taasi waxay oogtay colaad ninkii gabadha laga qaaday lagu dilay. Aadan guur badnaan ayaa looga haray, xataa iyada oo Bariga Afrika carriga la joogaa yahay. Isaga oo shantiisa wiil iyo darsin gabdho ah adeegsanaya ayuu ku guulaystay in uu xididdo badan muto. Walaashi, Gisti20 Faadumo waxaa guursaday Abubakar, Amiirka (Harar) ee hadda aabbihi. Saa oo ay tahay, Garaadka sidii isaga oo af yaxaas ogaal isugu shalwiyay ayay ka yihiin. Sababta ugu wayn ee uu sida wanaagsan noogu qaabbilay waxay ahayd uun dan soke oo uu qalcad uu dhisto ka lahaa, si uu ganacsiga ugu taliyo Hararna uu u la tartamo ama uga marooqsado. Wali se fursad fiican ma sii daynayn oo wixii uu arkaba waa naga baryay markii la siiyay seef, kitaab Qur'aan ah, cimaamad, koodh Carbeed midabka saatiin qurxoon ah, ilaa 70 go', iyo intaa in u dhiganta oo maro bullugan ah ayuu dabadeed faq ahaan iigu cawday in Xammaali wax 12 maro dhaafsiisan aanu siin. Tirada waxa uu doonayo ayaa ninkan hungurigiisa sharraxaad ka bixin doonta. Waxa uu iga baryay in aan Berbera uga keeno seef samay qalin ah leh iyo xoogaa saabbuun ah, 1000 doollar, laba sed oo jijimo qalina ah, 20 qori oo rasaastoodii iyo baaruuddoodii wata, koodh midab cas ah oo rakaame dahabi ah lagu xardhay, xoogaa sun aan laga kicin ah iyo wixii alaabo yaryar oo qurqurxoon ah ee isaga ku rayn lahaa. Taa beddelkeeda waxay ahayd in uu fardo, baqlo, addoomo, fool maroodi iyo waxyaabo kale oo qiimo leh naga siiyo. Si ay ahaata ba se, waaba uu iska illaaway in uu sidaa yeelo inta aannaan ambabixin. Garaad Aadan waa nin awood badan, maadaama uu madax u yahay qabiilo beeralay ah oo aan sida badawida jilbo kala madax bannaan u kala qaybsananyn, sidaa awgeed na si toos ah ayuu taliskiisu u saameeya dadyow badan oo deris ah.

Geriga buuralaydaas deggani Daarood ayay ka soo jeedaan, sida ay u badanyihiin Soomalida negi, waxuuna ku abtirsadaa Koombe. Dagaal aan waxba la isu la harin oo ay Oromada ku qaadeen awgiis ayay si isa soo taraysa Maakhir oo degaankoodii asalka ahaa ahayd galbeed uga guureen. Hadda waxay dhanyihiin 5000 oo gaashaan, qiyaastii 180 degmo ayay deggenyiin, waxaana lagu tiriyaa in ay awoodda ugu sarraysa carriga yihiin. In kasta oo ay Habar Awasha heshiis la yihiin, Gerigu dhif ayay oogada uga soo degaan in daaq la'aani ku khasabto gubanta mooyee. Buuraahaas waxaa kale oo iyana dega Oromada iyo qabiillada Soomaaliyeed ee Bartire, Bursuk, Sheekhaal, Hawiye, Udbayahan, Marreexaan iyo Abasguul. Oromada Harar iyo agagaarkeeda degta waxay u qaybsantaa afar jilib oo sida caadada ah lafo badan u sii kala baxa. Aaladu xagga galbeedka ayay ilaa magaalada ka soo fiddaa, Nooluhu waxay degaan dhulka xagga bariga iyo waqooyiga bari dhaca, meel ilaa laba maalmood loo kala socdo Ciise Soomaali iyo Harar, xagga koofureed waxaa dega Baabiliga iyo Jaarsada Wilensi, Sagarrah, iyo Kondura. Waa carri bogagga qoraalkan lagu tilmaamay. Bartiraha oo dega Silsilada Golis ee koofurta Oromada deris la ah, sidaana ugu fidsan xagga bari, ilaa lagu geeyo buuraha Jigjiga, waxaa lagu qiyaasaa 3000 oo gaashaan. Daarood ayay ka soo jeedaan, waxayna hoos tagaan Garaad Xirsi. Markii aan dhulkan socdaalka ku tegay Geriga ayay col ahaayeen. Garaadka qoyskiisu dhowr fac ayay xiriir la lahaayeen Amiirrada Harar, waddada safarka ganacsi ee Berbera iyo Harar isku xirta oo dhulkiisa martana waxay ka dhigaysaa garab la xulufaysto iyo cadow laga baqo. Garaad Xirsi, warbixinno kala duwan ayaa laga bixinayay: qaar waxay lahaayeen waa ma jixinjixe iyo laayaan dhuuni ah; kuwo kalena waxay ku ammaanayeen in uu nin Alle ka baqa oo ehelusalaad ah yahay. Si ay ahaataba, dhammaan waxay isku raaceen in uu dhallinyaranimadiisii ardaalnimo mug leh ku soo dhiiqsaday. Si uu u dambidhaaf uga ajarsado, wuxuu caadaystay in uu Wadaaddada quudiyo, Sheekh Jaamaca Harareedna joogto ayuu reerkiisa marti ugu ahaan jiray. Bursuqu waxay dhanyihiin 5000 oo gaashaan, garaad ma leh, 1854-tii na dagaal ayaa Geriga, Bartiraha, iyo gaar ahaan Oromada kala dhexeeyay. Dhulkaan aanooyinku waa ka duwanyihiin sida kuwa gubanta. Reer oogadu, sida Yawmul Qiyaame uu u dhigay, saddex maalmood bay dagallamaan saddex kalena waa heshiiyaan. Qabiillada reer xeebeedku iyagu si degdegga ah isu ma beddelaan; taa waxaa u dheer diyada ay kala qaataan, wax aan halkan laga aqoon. Sheekhaashu waa Soomaalida kaliya ee buuraha dega oo Dir iyo Daarood aan midna ka soo jeedin. Iyaga oo sheeganaya in ay Khaliif Abu Bakar ka soo jeedaan ayay ku doodaan in 10 fac ka hor uu nin Aw Qudub ina Fiqi Cumar la yiraahdo uu ka soo gudbay xagga Xijaas oo uu Bariga Afrika la soo degay lixdiisii wiil ee kala ahaa Cumar-wayne, Cumar-yare, laba Cabdillaahi, Axmad iyo Siddiiq. Qabiilkan wadaaddada ahi waxay ku kala dhex firiqsanyihiin dadkooda, sidii Levi21, waxayna ku baaheen Cifaat ilaa Ogaadeen. Lafahooda waawayn waxaa ka mid ah Aw Cumar oo ah kan u wayn iyo Bah Dumma oo ah tan ugu yar.

Hawiyaha cutubkii hore ayaa lagu soo xusay. Udbeyahanka qofaf yar uun baan ka arkay, waxay se ii sheegeen in qabiilkoodu uu 40 degmo iyo ilaa 1000 gaashaan dhanyahay iyo in ayan garaad iyaga ah lahayn, se ay xeerka Garaadyada Bartire iyo Geri ku dhaqmaan. Lafahooda waawayni waa Reer Yuusuf, Reer Saciid, Reer Abbokor iyo Yuusuf Liyo. Bariga Geeska Afrika iyo Ogaadeen marka la joogo, Marreexaan waa qabiil xoog leh, halkan se wax wayn ka ma aha oo waxay xulufaystaan Geriga. Abasguulku isaguna wuxuu ku firiqsanyahay buurlayda Harar, waxaana madax u ah Garaad Aadan. Qabiilkani waxa uu dhanyahay 14 degmo iyo inta u dhaxaysa 400 iyo 500 oo gaashaan, wuxuu na u qaybsamaa Reer Yuusuf, Jibraa'iillo iyo Warra Diq. jilibka ugu dambeeya waxaa la yiri Oromo ayuu fir ku leeyahay.

Subaxii ka dambeeyay, markii aan Shagarrah imid, jirro aan la kici waayay ayaan dareemay, dhammaan reerkuna naxariis kal iyo lab ah ayay ii fidiyeen. Garaadku Harar ayuu Furshad ka dalbay, Aw Samatar beeraha ayuu Jaad ka raadshay, wiilasha Yuusuf Dheere iyo Cilin22 waxay aad iyo si diidmo aan la iga dhegaysan oo wehel lehi baajin, ugu adkaysteen in ay i gubaan. Marwo Khayro iyo labadeedii gabdhood ee dhaadheerka madow e dhoolocaddaynaya ee aadka loo jecelyahay ahaa, 13 iyo 15 jir, fiddahayga ayay neef ido ah u gawraceen. Xataa Oromada Kiristaanka ahayd ee ku soo xoontay in ay socotada arkaan waxay la ooyeen waxa baas ee ninkan dhulkiisii aabbe intaa uga soo waday, kaliya uun in uu geed hoosti ku dhinto.

Dhab ahaan, wax camaliyaddaan ka fududi ma jirin. Waxa kaliya ee la iska rabay waa in gidaarka wajiga la saaro 4 ilaa 5 beri. Laakiin in dababax xun lo dhinto ayaa ka daran! Taa lagu ma tashan, mararka qaarna qaraar adag oo laga gaaro in la sii noolaado waxay ii la muuqataa in ay qofkeeda bixiso.

Jannaayo 1, 1855, anigoo markaa tabar dareemaya, ayaan inta ku labbistay dhar Carbeedkaygii ugu wanaagsanaa codsaday in aan Garaadka shir la yeesho. Meel cidla ah oo degmada ka dambaysa ayaan isla tagnay, halkaa oo aan si ku tiiqtiiqsasho leh ugu akhriyay warqaddii Xaaji Sharma'arke. Garaadku wuxuu u muuqday mid aad ugu farsaxsan in aannu degaankiisa ka door bidnay kan Ciise. Mar ayuu soo hadalqaaday arrintii qalcadda cusub ku saabsanayd oo anigu aan fuundigii dhisi lahaa ahay, iyo sida ay gabadhiisa wayni ku riyootay in ay socoto marti ahi dhulkan degi doonto. Markii aan mashruucii si uun Garaadka aan ugu sharraxay ayaannu banaatiikhdii la soo baxnay oo dhawr haad u toogannay ardaalka. Annaga oo hawshaa ku guda jirna ayaa waxaa soo muuqday koox shan ah iyo saddex baqal oo koorayaal Marookaan ah oo lagu qurxiyay, gambaleello iyo shakaallo qaabkii Harar leh. Laba raggaa ka mid ahaa, Xaaji Cumar iyo Nuur Cambar, waxay ahaayeen dadka degaanka. Inta kale, Cali Xasan, Xuseen Carraale iyo Xaaji Maxammad waxay ahaayeen Soomaali jilibka Habar Awal oo uu Amiirku aad ugu kalsoonaa u dhashay. Waxaa loo soo diray in ay Aadan kala xaalaan arrinta culus ee magta. Markii ilaa nus saac ku dhawaad ay nala fadhiyyeen, halkaa oo ay salaamo diirran is dhaafsadeen gacanyareyaashaydii, dameerahayagii si kuuro iyo dadamuuqsi leh u indha'indheeyeen, anigana dhowr su'aalood iga wayddiiyeen waxa aan carrigaan ka soo doonay, ayay Garaadka hoos ugu sheegeen in Carabku aanu ganacsade ahayn, meeshana aanu u iman wax aan ahayn in uu barwaaqada dhulka taal jaasuuso, kooxdiisa oo dhanna in loo gacan geliyo, si ay xabsiga Harar ugu taxaabaan. Garaadku waa ku gacansayray una sheegay in aan magan la joogta nahay oo ku sagootiyay "iska quba warkaa." Iyagoo aan ku jacsanayn guuldarradoodii ayay galab dambe carraabeen, iyagoo horkacaya 200 boqol oo lo' ahayd, beenna ku balanqaadeen in ay Amiirka nagu salaamayaan. Waxaa halkaa ka caddaatay in waddo laga fiirsaday la qaado.

Garaadku wuxuu qirtay cabsida uu ka qabo raggiisii Harar oo ku daray in uu ku waayay dhammaan degmooyinkiisii magaalada ku dhawaa. Si cad ayaan u wayddiiyay in uu na weheliyo, wuxuu se si cad ugu jawaabay in aanay suuragal ahayn taasi. Codsigii haddana hoos ayaan uga degnay oo wayddiisannay uun in uu inta xudduudda ku siman na mariyo. Wuxuu sheegtay in uusan awoodin taana, wuxuu se ballanqaaday in wiilkiisa Shirwac ah uu nagu darayo.

Hadda wax kale oo haray ma jirin, gacaliye Lumsdenoow, oo aan ahayn geesinnimo iyo in la is biirqoolo oo aan isku halleeyo waxa rag kala reebay ee ah xiddiga wanaagsan ee ayaanka leh. Wehelladaydii ayaan khudbad caaqibo leh u jeediyay oo ku wargeliyay in si dedeg ah loo kooraysto. Waxay soo jeediyeen in Amiirka warqad laga dalbayo si magaaladiisa loo soo galo. Taa laba arrimood ayaa lagu diiday. Waa tan koowaad e, haddii jawaab diidmo ah laga soo celiyo safarkayagii curdanka ayuu ku dhaday, wixii hawl aan galnayna waa hal bacaad lagu lisay. Tan labaad, Yawmul Qiyaame wuxuu faq iigu sheegay in labadayda weheliye ay maleegayaan in aysan warqaddu meeshii loo diray gaarin. Halkaa dambigiisii ayuu iyaga ku oogay uun e Xammaali iyo Guuleed Dheere waxaa ku ma ay kici karin. Laakiin, wadaadkayagii waaba anfariiray, "fulay xaar wayne'', wajigiisii ayaa iftiimay markii lagu amray in uu Garaadka Shagarrah la joogo, si walba oo si cad fulaynimo loogu cambaareeyayna waa uu ku dhici waayay in uu bayuurta iska rogo. Weheliyeyaashaydii waxaa dabadeed lagu wargeliyay in sida aan u dhaqmaynnaa ay tii habraha tahay ee aysan ahayn tii askar lagu yiqiin ee wax uun raggannimo sheegta in lagu kaco, inta aannaan dib fulaynimo u la noqon. Waxaa u muuqatay in ay iga go'antahay in aan kaligay dhaqaajiyo, haddii laga fursan waayo. Haaddii aan been laga sheegayn, mar qura ayay dhiig isu yeeleen oo dhammaan kaceen. Tani waa geesinnimadoodii, in kasta oo warxumetashiillo ay six un u bajiyeen. Sidaa oo ay tahay, maalin uun ka hor ayaa Soomali socoto ahi ku la taliyay in ayan "Turkigaas' Harar u raacin. Markii ay koorayaasha iska dhakooliyeen ayay caloolxumo oo dhan iska hufeen, iyagoo sheegay in haddii la dilo aan magahooda bixiyo, haddii ay badbaadaanna aan abaalmarintoodii gacanta fudud ka dhiibo. Marka khatar lagu jiro Xammaali gaar ahaan wuxuu la soo baxaa adadayg mug leh. Haddana, dhammaan reer Bari23 uun ayay ku bannaanaayeen. Mar aannu Harar iyo joogiddeeda ku daalnay ayaan isku deyay in aan baxsado. Dabdeed wxay si qayaxan u caddeeyeen in taasi aanay cidna wax tarin. Intii aan ka fikirayay fursad baxsi, waxaa kaliya oo u muuqatay iyaga oo garbaduub u xiran oo askartii Amiirku dib u soo jiidayso. Waa taa waxa ay guud ahaan dhasho kasha dib ka baqda si indha la'aan ah ee Muslinka badanki.24

Dabadeed warqad Ingiriisi ku dhigan oo ka socota Xafiiska Siyaasadda ee Cadan ayaan u qoray Amiirka Harar aniga oo soo jeedshay in aan anigu gacanta uga dhiibo oo daboolka iska qaado. Laba arrimood ayaa igu dhaliyay in aan qorshahan 'guusha ama go' ah qaato. Waa mid e, dadyawaygii aan dhulkooda maray dhammaan waxay isku raacsanaayeen in uu fulay yahay ninka asalkiisa qariya marka meelaha halista leh la marayo. Tan labaad, dubkayga cad ayaa u eg Turki oo ah kan dad loogu necebyahay oo looga sii shaki badanyahay Yurubi walba, haybaddeenna la'aanteed. Intii aannaan Shagharrah dhaafin, waxaan Yawmul Qiyaame ku ogaaday sadarro dhawr ah oo u socday Dhamme Herne oo Berbera jooga, anigoo u tilmaamaya sidii uu wax yeeli lahaa haddii laga fursan waayo ama arrini xumaato. Alaabadayadii haddana aad ayaa loo dhimay. Intii badnayd waxaa looga tegay Aadan, wixii aan innaba laga maarmi karinna dameer qura ayaa qaaday; dhar beddelasho, buug ama laba, xoogaa buskud ah, rasaas iyo wax yar oo tubaako ah. Dalmariyeyaashaydii Geri waxay ka koobnaayeen Shirwac, badawigii Abtidoon ahaa iyo Saciid Waal oo baqalkii Yawmul Qiyaame fuushan.

Jannaayo 2, 4 saac oo subaxnimo, ayaa degmadii oo dhan la soo ururshay oo Faatixada na loo akhriyay, iyadoo in aannu rag geeri looga sabray nahay na loo ku labqaboojiyay. Dabadeed, dhabbe kii ugu xumaa ayaannu ka fuulnay buur dhagax leh duleedka Shagharrah, kayn iyo gubad sii marnay oo mar kale qarar wada dhagax miiran ah ka sii degennay. Dhusha sare waxaa yiil degmo uu Shirwac ku hakaday, isagoo sheegay in uusan ku dhicin in uu hore u dhaafo. Nin hubaysan ayaa se nala soo raaciyay, si uu nooga gudbiyo Jarka Oromada. Saacad markii aan sii fuushanayn ka dib ayaannu gaarnay salka buur dheer, guro fidsan leh oo Kondura lagu magacaabo. Halkaa jidkayagii, dhabbe ari oo dhagaxyo iyo geedo jajabay, meelaha qaarkoodna geedsaar waawayn oo dusha kaga hadoodilani uu ciriiri ka yeelay, kor iyo hoosna kayn ah. Quruxda Vallombrosa-dan25, oo i soo xasuusisay muuqaallo mar aan joogay Touraine26 ku raaxaystay, in aan u bogo mooyee wax kale ii ma ekayn. Xagga sare ee bidixdayada ah waxaa dherer u qotomay babacyada iska soo horjeeda ee buuraha dhedaysan oo darfaha cutubyo dhir Dayib ah ku leh, xagga midigna dhirta qarisay ay faraqyada soo daraan tog dheer. Neecawda qabow ayaa fooryaysa, fallaaraha cadceedduna sidii udbo dahab ah ayay dhirta dhaadheer ee hooska leh ka soo dusaan. (Waa tabtii gabyaagu yiri: …) 'Bearded with moss, and in garnments green (…)'27 e, dhulka waxaa daboolay caws dhedo ku habsatay, jirridaha geedahana waxa ka baxay ubaxyada thistles, daisies. Waa ubaxyo midabku lafcir saafi ah yahay oo marka kor laga arko si fiican loo moodi karo violets. Muggan waxaa na joojiyay koox darsan Oromo ah oo la jooga Rabah, Garaadka iska leh Jarka. Sidani waa sida uu kastanka canshuurqaadka Afrikaanku u egyahay: isbaaro waxaa u ah waranleyaal buurbuuran, albaabkuna waa laba waran oo kaabaadda dusheeda lagu gudbay. Rabsho yari ma jirin, iyagoo ka baqaya in ay caado dhaqan ka tagaan, waxaannu se u sheegnay in dameerkayagu aanu wax ganacsi ah sidin.

Dabadeed inta Kondura baalkeeda waqooyi la laabannay ayaannu galnay carriggii Amiirku ka talinayay. Meel qiyaasta 30 mayl jirta oo ay dooxooyin lafcir u eg oo is daba yaallaa ka sokeeyaan ayaa waxaa ka muuqda Harar, mukul madow oo sagxad cawl ah oo caws leh dusheeda saaran.

Inta xoogaa joogsannay, si aan guusha u carafsanno, ayaannu bilownnay in aannu hoos u daadegno. Dhulku wuxuu ahaa carramadow dhiiri ah oo aan dhedo ka dhammaan Kondura dusheesha iyo durdurro si joogto ah uga hoora biyadhacyo dibir dhooqo madow ah. Xoogaa geedka Birbisaha aadka u waawayn ah oo ka haray kayn wali jiq ku ah buurta babaceeda ayaa jidku ka dhex baxaa. Waxay ahaayeen geedo laan walbaa ay faracyo fara badan lahayd, badankooduna waxay ballaca la'ekaayeen 20 ilaa 25 cagood.28 Saacad markii aannu thistles ubaxyadiisu casaanka ifaya xigeen oo midkiiba aanu ka yarayn ilme yar madaxi dhex maraynnay dabadeed ayaannu baqalaheennii ka waraabsannay il yar oo degaandegga ka hoosaysa. Dabadeed, dib ayaannu uga kooraysannay. Waxaan qardajeex ku marnay buur dusheed, halkaana kaga dhacnay tog yar oo beeralay Oromo ahi ay finjilayaan oo bakaaraynayaan badarkoodii u soo go'ay, iyagoo heeso farxad raynrayn leh ku dheeraysanaya. Si fudud ayaa loogu soo sooci karaa muuqaalkooda Afrikaanka dhabta ah ee aan u dhawayn Soomalida baxaalligoodu ku Caraboobay soogalooti Yaman iyo xaggaa Xadramuut ka yimid waayo hore. Markii aannu 10 mayl oo toos ah jarnay ayaannu casarliiqii marnay xidh moxog ah oo dhanka dabayshu ka soo dhacayso ka dugsiiya Garfa, degmo midgo ah oo Garaad Aadan badarka u gura. Farxad ayay la yabqeen markii ay garteen saaxiibkoodii hore, Saciid Waal. Waxay na geeyeen Gambiso bannaan oo ay nadiifiyeen. Dabadeed, dab ayay shideen, baqleheennii daaq geeyeen, oo haddana inta baxeen raashin noo dooneen. Martigelintoodii se waxaa carqaladeeyay laba qof oo reer Harar ah oo hoos ugu hanjabay colka Amiirka haddii ay isku dayaan in ay Turkiga martigeliyaan. Markii habeenkii galay ayay farriini ka timi cadawgayagii Habar Awal oo ku baaqay in aan sugno ilaa subaxnimada, si aan isugu lug darsanno oo magaalada u galno. Garaad Aadan ayaa hore iiga la taliyay in aanan nimankaa isku daaran. Sidaa ayaan ugu cagansayray taladii labadayda weheliye oo jawaab ugu celiyay kuwii kale in aan dhawraynno ilaa laba saac subaxa dambe.

Subaxii Jannaayo 3, hal saac markii ay ahayd, ayaannu maqalnay in dhagarmaaganayaashii Habar Awal ay xoolohoodii la guureeyeen, wax yar ka dib habeenbarkii xalay. Markii aan dareemay xumaha ay u dan leeyihiin ayaan waxaan xusuusqorkii, buuggii aan wax ku sawirayay, iyo buuggaag kale uga tegay oday Midgaan oo faray in Garaad Aadan loo gudbiyo, aniga oo go'aansaday in aannaan qaadan waxa aan hubkayaga iyo xoogaa hadiyado aan Amiirka u sidnay ka ahayn. Baqalaheennii ayaannu kooraysannay oo inta fuulnay si degdeg ah ula durdurinay garka warraq qurux badan oo dhagaxnuuradeed jilicsan oo midabkiisuna basali yahay oo meelo dooggu qariyay. Bartamaha waxaa ka mara durdur dhinacyadu bidhaamayaan oo Doghlah lagu magacaabo. Marakan biyadhacyo yar yar ayaa ka shubmayay, dabadeedna dhadhaabbo sallaxyo waawayn leh ayaa ka hooriya oo xagga Webiga (Togga) Erer ku shuba. Muggan, annagoo xatabado dhagax ah oo xataa dameeruhu dirqi ku maraan ka daadegaynna ayaannu gubadka sii raacnay. Markii aannu togga hoose ku soo dhacnayna hore ayaannu si degdeg ah ugu sii soconnay, maadaama ay maalintu isa sii guraysay oo aannaan doonayn in Habar Awashu na ga hor cid gasho.

Abbaarihii duhurka ayaannu ka gudubnay Togga Erer. Waa ilaa 100 yaardi ballacu, biyo yar oo xalliiban, qabow, macaan oo wiriqo ku dahaaranyahay ah ayaa ciidda badankeeda dul qulqulaya. Sida aan dhulwadeennadayda ka xigtay, marinkiisu sida buuraha ayuu koofurta iyo xagga Webe29 Ogaadeen qabtaa. Si ay ahaata ba se, cidina iga ma qancin kuurkayga ku saabsanaa marinka biyamareenka kaliya ee aan xillina gurin ee ka jira inta u dhaxaysa xeebta iyo Harar. Togga hoose oo gaan haruur ah dabayshu ruxayso waxaannu ugu tagnay beeralay Oromo ciiddaa ka badan ah oo magaalada ka soo gaddoomay, iyagoo hayaayado cusub iyo qulco maran oo ay burcad, subag iyo caano suuqa ku geeyeen sita. Dhammaan waxay aad u la yaabeen Turkiga oo ay sheekooyin argagax fara badan leh ka maqleen. Haddii aannu bilownnay in aannu dallacaad kale sii korno, waxaa soo muuqday Harari darajo sare leh oo baqal si wanaagsan loo heenseeyay fuushan, 7 gacanyarana ay qulco dhaansan iyo qarbadyo badar ah u sidaan. Wuxuu ahaa oday waji iyo gar cad oo ku labbisan dhar wanaagsan iyo duub midabku xay cad oo farqo casaan leh ah yahay. Wax gaashaan ah ma aanu sidan, waxaa se garabka bidix uga laalaadday seef Xabashi ballaaran. Salaan diirran ayaannu is dhaafsannay, aniga oo oommanaana wuxuu nin iigu diray in uu weel biyo ka soo buuxsho.

Buurta marka kala bar kor loo fuulo, waxaa ka muuqday 200 oo sac oo Geri leeyahay, se ballanfurayaashii Hababr Awal ma joogin oo hore ayay u sii degdegeen. Figta kore waxaa laga tilmaansaday degmada Elaoda oo waayadii hore ahaan jirtay meel barwaaqo ah oo Garaad Aadan xukumo.

Siddeeddii saac ee maalinnimo ayaannu ku soo dhacnay meel dhuubad xayndaab leh ah oo aannu daqiiqado ku nasannay, meel u dhow geed dallad ah oo hoostiisa ay dumar ku iibinayaan subag iyo cudbi. Ilaa laba mayl meel u jirta figta buurta ayay magaaladii safarkaygani ku ekaa ahayd ku tiil. Waa saf dheer oo madmadow aadna uga duwan magaalooyinka nuuradda cad leh ee Bariga. Muuqaalku, haddii adduunyo laga hadlayo, wuxuu lahaa niyadjab. Wax la sheego oo aan ka ahayn laba minnaaradood oo aan xallad u qotomin ma lahayn. Nabee in badani aad ayay uga shallayn lahaayeen in saddex ruux lagu halligo, si guul aan naf lahayn loo gaaro, se intii isku dayday oo dhan midkoodna ku ma guulaysan in uu galo dhagaxyadaa meesha tuban. Dalmarka qummani, gacaliye Lumsdenoow, waa uu iska garanayaa raynrayntayda, in kasta oo labadaydii weheliye ay daymooyin ashqaraar ah isla dhex mareen.

Inta baqalaheenni cirbaha ku sii dhuffanay ayaannu hore ruclayn dheer u sii daynnay, ilaa Saciid Waal na joojiyay, si aan Faataxo ugu akhrinno Aw Cumar Siyaad iyo Raxmaan, laba wali oo waawaynoo ku hoos aasan cutub geedo ah waddada dhinaceeda. Ciidda waddada labadeeda dhinac taallaa waa bacrin guduudan. Beeraha oo ay gaar ka hayaan madaxyo lo'aad la qallajiyay oo ulo gaagaaban la suray waxaa ka muuqanayay gaaman moxog, liin iyo rummaan ah oo ay u dhexeeyaan beero qaxwe, sacfaraan garac ah iyo Qaadka loo bogay ay ka baxaan. Meel ilaa nus mayl bariga kaga aaddan magaalada waxaa ka muuqda gubadka Jalalah ama Biyaha Bunka, halkaa oo dadkii ka gudbayay ayan ka hor istaagin weheliyeyaashaydu in ay ku maydhaan. Intii ay go'yaasha xiranayeen anigu jidka dhinaciisa ayaan ku nastay oo magaalada sawirtay. Hawlahaa markii meel lagu ogaaday ayaannu waddadeennii oo u ekayd dhufays dhagxaan iyo tiin dhaadheer lagu xeeray kor u sii raacnay. Jidkani wuxuu kor ugu baxaa bannaan fidsan. Dhanka midig waxaa ah beeraha haruurka oo ilaa gidaarka magaalada fidsan, dhanka bidix waa tuur qabuuro qaab daran ah, hortayadna waxaa ah difaacyadii madoobaa ee Harar oo kooxo degaanka ahi qaar albaabka wayn agtiisa taagtaaganyihiin, qaarna qaad la fadhiyo burburka qabrigii Aw Cabdalla.
Waxaannu nimi 9 saac oo galabnimo, kadib markii shan saacadood oo la doonayay in lagu jaro 20 mayl oo toos ah aannu soo fuushanayn.30 Albaabkii markaan nimid ayuu Saciid Waal abbaaray waardiye darajadiisa lagu yaqiin ushiisa dheer oo ka dalbaday in aannu Cadan ka nimi oo uu Amiirka salaan naga gaarsiiyo, aannuna codsanaynno in uu na qaabbilo. Markii uu hawshii u cararayay ayaannu fariisannay geed gacaaran hoosti, halkaa oo na la dhugdhugtay, nala kuunyay, oo ay su'aalo na waydiiyeen rag iyo dumarba, siiba hablaha qurqurxoon.

Saddexdii Habar Awal hadda ayay noo yimaadeen oo na wayddiiyeen waxa aan u ogaysiin waynnay ulajeeddadayadii ahayd in aannu magaalada galno. Markaan waxay maraysay" is xaniinyo taabasho", wax jawaab ahna u ma aannaan quurin in aan u celinno.

La soco cutubka xiga.

Mahadsanidin.

  1. Weerka ama hu'ga asayda. - [T]
  2. Gil Blas waa qareen (character) hormuud ka ah buug sheekaxariiro ah oo uu qoray qoraagii Faransiiska ahaa ee Alain Ren Lasage intii u dhexaysay 1715 ilaa 1735. Gil Blas sheekadaan wuxuu ka dhiganyahay nin cayr iyo nolol adag ku soo koray horraantiisii oo markii dambe inta bowsi iyo u kuurgal dheer wax ku bartay heer uu noloshiisa kula soo baxo ka gaaray. - [T]
  3. Maro gas jilicsan taabashadana aad ugu macaan oo xariir, layloon, suuf iwm ka samaysan. - [T]
  4. Gacankudhiiglihii ugu horreeyay waa Qaabiil oo walaalkii Haabiil dilay. Waxaa la sheegaa in uu ku duuganyahay Jabal Shamsaanka Cadmeed. - [B] – [Triptolemus waxa uu ku jiray sheeko khayaalkii Giriiggii hore, waxaana lagu sheegaa in uu ka dhignaa gacanyare sanamkoodii Demeter (ilaahaddii aaranka) ay dooratay u na soo dirtay in uu dadka beerashada baro. Macnaha guud waa Yaman waligeedba beero naf leh lagu ma ogayn]. -[T]
  5. Bad mareen Qardaajina (Carthage) u dhashay oo caan ahaa. Qarnigii 5aad ayuu xeebta Galbeed ee Afrika shiraac ku maray. Mucjisada 'webiga shidan' waxaa mar dambe la ogaaday in ay ahayd uun dab ka kacay kaynta ku dhereran webiga Gaambiya. [Tif. GW]
  6. Hog foolkaane nool ah oo gobolka Naples ee carriga Talyaaniga ku yaal. [T]
  7. Ushani waa ul xardhan, muunadaysan oo u gaar ah ragga derajada dadka ku dhex leh, ma aha budhka (garruun) caadiga iyo bakoorad midna. Waa ul dheer, toosan oo halka sare ee la qabsado madax kuusan oo dhinac u jeeda ku leh. [T]
  8. Silsiladda buuralayda Alp ee Yurub (Faransa, Itaaliya iyo Iswisra). [T]
  9. Shucays (musket) waa buntukh waayadii hore la adeegsan jiray oo marka xabbad laga ridaba dhuunta baaruud looga shuceeyo. Marka iyaga oo badan la tuunsho meel gorodda ayaa la isu wada geshaa iyaga oo dhulka qotoma, sidaa ayaa waxyaalo badan oo beeraha ka soo go'a sida gallayda, haruurka, iyi sisintaba loo tuunshaa intaa aan miraha laga dhilin. [T]
  10. Waa tax ka samaysan shilimmo yaryar oo qalin ah iyo qurxinno kale, Carabta ayaa Berbera ku samaysa. [B]
  11. Jasiirad taariikh dheer leh oo badda Miditerranean ku taal. Talyaaniga ayay u dhowdahay, waa se gobol Faransa ka tirsan. [T]
  12. Quluc/ubbo, waa weel nooc miraha bocorka ka mid oo inta la qallajayo, halka uu geedka kaga yiil laga duleesho, miraha laga daadsho, fur loo yeelo, dabadeed weel wax lagu shubto laga dhigto. Badanaa weesada ayaa Soomaalidii hore u adeegsan jireen. Haddii luqunta ama sibirta laga jaro waxaa laga dhigan karaa baaquli, koob, ama saxan, hadba inta mirta laga jaray la'egtahay marka la qallajiyo. [T]
  13. Somali, Harari, iyo Galla [Oromo] ay weheliyaan Carabi iyo afaf kale oo ilbaxeed. [B]
  14. Maxdinkii Yurub ayuu ka wadaa. [T]
  15. Nooc daayeerrada ka mid ah. [T]
  16. Gammaan waa meesiga fardaha iyo inta la halmaasha. [T]
  17. Dunida Bariga khamiirintan caanka ah guud ahaan waxaa lagu magacaabaa 'Buzah', halka erayga Jarmalku ka yahay 'büsen', waa'booze'kayagii e. Xoogaa toon ah haddii lagu daro, waxay noqotaa wax la isku matajiyo [ama la isku qarasfalo]. [B]
  18. Gabaygan in aan sidiisa ku daayo ayaan door biday, si macniha guud iyo dhadhanka murtiyeed aanay uga lumin. In asalkiisa af Soomaali lagu mariyay ayay u badantahay oo markaa uu R. Burton afkiisa u rogtay, intii karaanki ahayd ee uu fahmi karay. In af Igiriisi laga rogo oo af Soomaali lagu celiyo, iyada oo aan asalkii lagu hayn ama xarafraaciisa la garanna dhibkeeda ayay leedahay. [T]
  19. Sienna ama Siena waxay ka tirsantahay Gobolka Tuscany ee carriga Talyaaniga . [T]
  20. Gisti, Afka Harariga waa magac darajo tilmaamaya. Wuxuu u dhigmaa erayga 'princess', Soomaaliga wuxuu u dhigma erayga Garaado. [B]
  21. Qabiil ka mid ah 12 kii reer Israa'iil oo la qoro in uu ka soo jeedo Levi, wiilkii saddexaad ee Nabi Yacquub (n.k). Sida taariikhaha Masiixiga iyo Yuhuudda lagu qoray, qabiilkan waxaa lagu jirrabay kala firiqsanaan, ka dib markii Levi aabbihi uu habaaray. Waxay ahaayeen oo kale, sida la sheego, wadaaddo qabiilooyinka kale ee reer Israa'iil ku dhex nool. Habaarku wixii uu ka ratibmay la isku ma raacsana. [T]
  22. Cilinka kaliya ee aan carriga Soomaaliyeed ku arkay, 18 jir ayuu ahaa, wuxuuna u ekaa 10 jir. [B]
  23. Reer Barigu waa ka soo horjeedka dunida reer Galbeedka. [T]
  24. Halkan waxaa ka muuqda naftihallignimada aan garashada ku dhisnanyn ee Burton markii dambe naftiisa sigtay, jaalkina galaafatay. Xaggee ayay la ahayd in uu carar ku gaari lahaa? Meeday geesinnimadii uu markii hore ku faanayay? Muu dagaallamo intuu carari lahaa? [T]
  25. Meel ku taal gobolka Tuscany, carri Talyaani. [T]
  26. Gobol bartamaha Faransiiska ku yaal. [T]
  27. Baydkani wuxuu ku jiray gabay la yiraahdo A Tale of Arcadie oo uu tiriyay (1847) gabyaagii Henry Wadsworth Longfellow. [T]
  28. Geedkan ayaa laga qoraa albaabbada, qabaallada iyo qaafiriyada Harar. [B]
  29. Webi Shabeelle. [B]
  30. Marka laga qiyaas qaato Saylac ilaa Gudingaras waa 19 mayl, ilaa Quraanyaale waa 8 mayl, ilaa Cadaad waa 25 mayl, ilaa Damal waa 11 mayl, ilaa Ceel Carmo waa 11 mayl, ilaa Jiyaf waa 10 mayl, ilaa Xaliimaale waa 7 mayl, ilaa Awbuube 21 mayl, ilaa Kooraley waa 25 mayl, ilaa Hararna waa 65 mayl. Isku celcelisku waa 200 oo mayl. [B. en.].

Cutubkii 8aad: Tobankii Maalmood ee Harar

Saacad barkeed markii aannu iridda ku sugaynnay ayuu waardiyihii soo laabtay oo noo sheegay in aan soo dhaafo albaabka. Markaa ayaannu inta dib u kooraysannay baqalaheennii ku soo hagay waddada wayn, dhabbe dhuuban oo taag sare kor ugu baxa, dhagaxyada ka soo taagtaaganina ay ka badanyihiin rastadii Perote1. Guuleed Dheere wuxuu daabbaddiisii u dhiibay laba badawi. Ilaa nala qaabbilay se ma ayan iman, markaa oo ay noo sheegeen in dadka iridda joogaa ay kula taliyeen in ay bal neefafka la cararaan, illeen kuwii lahaa balo ayaa sugaysa e.

Haddii 100 yaardi loo soo jirsaday albaab bal haruur laga sameeyay oo dhanka fadhiga Amiirka St. James2 tan Africa u furma ayuu horwadahayagii, nin indho gudguduudan oo waji macbuus hadal kulul ah, noo tilmaamay in aannu deganno, maadaamaa aanu midkayana af Hararigiisa fahmayn. Sidii ayaannu yeelnay. Dabadeed wuxuu bilaabay orod rucle ah, isaga oo ku gurxamay, sida ka muuqatay, in aan annaguna sidaa yeelno. Waa is fiirinnay, Xammaalina wuxuu ku dhaartay in uu si xun u dhimanayo intii uu kan ka amarqaadan lahaa, aniguna sidaa ayaan ku raacay. Gacaliye L(umsdenow), bal suurayso xaaji khamiis gashan oo gar iyo cimaamad ku karaamaysanoo "laba!" dhaadheer u kala jaban. Annaga oo gammaankayagii aayar u hoggaansanaynna, si kasta oo uu horwaduhu isu xammeeyaba, ayaannu iriddii galnay, oo daaraddii waynayd xarrago u sii taltallaabsannay geed geeska bidix ku yaal kuna dhow dhisme gaaban oo dhagax adag ka dhisan. Qalawqalowda joogtada ah ee seetooyinka silsiladaha ah ka yeerayay ayaa calaamad u ahayd in xabsi dawladeed hoosti nala geeyay.

Daaradda qaybteedaan waxaa ka buuxay Oromo qaar dangiigaan qaarna kadaloobaan hooska gidaarka qasriga. Garaadyada waxaa lagu garanayay sindiyahooda maarta ah ee qoolaabyo dhuudhuuban oo isku dheggan cumaacunta laga soo bilaabo ilaa suxulka ku dhowaadkiisa taxan. Dhammaantood waxay u bogsanayayeen madaxnimadooda. Waxay iyaga oo sita warmahoodii dhaadheeraa faygamuuroodiina illan saaxadda Amiirka hadba dhinac u taxaashayeen. Dib u dhac nus saac ah, intii hawlaha dawladeed la kala agaasimayay, ayaa wuxuu i siiyay waqti aan ku indha'indheeyo qasri sheekooyin badan oo kala duwan laga wariyo. Qasrigu, sida Clapperton3 uu u qeexo qasriga Suldaanka Fellataha, waa balbalo xun, hal fooq (sar) oo dheer, mooro aan dariishado lahayn oo dhagax qallafsan iyo dhoobo guduud ka samaysan. Wax kale oo calaamad garaaddo muujisanaysa ahna aan lagu arag, marka laga reebo nuurad yar oo albaabka dushiisa lagu xardhay.

Tani waa calaamadda wasiirnimada dawladeed ee Harar, meel nin aan madax ahayni aanu guriga nuuradaysan karin. Daaradda xukunku waxay le'egtahay qiyaastii 8 yaardi oo dherer ah iyo 30 ballac ah oo si aan is la'ekayn loo dhigay, guryo gaagaabanina ku hareeraysanyihiin. Bartamuha, halka iridda hore ka soo horjeeda, waxaa ku yiil dhisme wareegsan oo ay albaabbo badan oo kala jaad ahi ku tiirtiirsanyihiin4. Haatan horwadihii indhaha gudguduudnaa ee hadalka kululaa ayaa dib u soo noqday, dhallinyaro nagu soo qamaamtayna dhibkooda na dhaafiyay oo naga fujiyay. Dabadeed waxa uu noo ishaaray in aan kabahayaga ku bixinno xatabad dhagax ah, ama aan iraahdee, xariiq 12 cagood gidaarka qasriga u jirta. Waxaan ku ganuunacnay in aannaan masjid gelayn, nala ka ma se siisan taa. Dabadeed, dood dheer oo afaf aan is fahmayn dhex taal kuna saabsan in aan hubkayaga dhiibno ayaa xigtay. Madax'adayg ayaan kula harnay toorriyahayagii iyo baastooladdaydii wareegalayda ahayad. Horwadihii daah albaabhalkan ah ayuu fayday oo hore u yara foorarsaday, aniguna sidaa ayaan ku horistaagay amiirkii lagu dhici waaway.

Axmed Bin Abiibakar, Amiirka Harar

Amiirku, ama sida uu isu yaqaanno, Suldaan Axmad ina Suldaan Abii Bakar, wuxuu fadhiyay qol mugdi ah, darbiyo cadcad, oo ay sursuranaayeen waxyaabo qurxin yaab leh ah. Waa qoryo kabriidleyaal5 maaraystay ah iyo seetooyin silsilado ah oo la dhalaaliyay. Muuqaalkiisu wuxuu u ekaa Raaj yar oo Hindi ah, dhallinyaro 24 ilaa 25 jir hagaas ku ah, sulub gar khafiif ah leh, midabka hurdi, sunniyo duuduuban iyo indho buurbuuranna leh. Wuxuu ku labbisnaa kurdad dheer oo maro cas oo xorta dhogor xay cad ah ku leh iyo duub cad oo dhuuban oo dhinacyada koofiyad cas oo yuuban madaxa si adag lagu la duubay, sida koofiyad Turkishkii hore ee ee rinjiilayaashayadu xirtaan. Kursigiisu wuxuu ahaa kan caadiga ah ee hindiga, ama jiimbaar kor loo qaaday oo ilaa shan cagood dherer jeedda, gadaal iyo dhinacyadana ay ka hayaan udbo cilinno ah. Maadaama uu jirroole yahay; barkin ayaa xusulku ugu mudnaa ay hoosteeda ka muuqatay seef Hindi. Waxaa laba saf oo Amiirka dhinac yaal taagan 'maqaawiirtii' saldanada, ina'adeerradi iyo eheladiisii ugu dhawayd oo sida qaabka Xabashida gacmaha midigi ugu qaawananyihiin. Qolkii ayaa waxaan la galay, anigoo ku dheeraysanaya, 'Assalaamu calaykum!', taasoo uu H. H.6 uu si wanaagsan uga jawaabay, oo inta qacan qalfoof hurdi ah oo aad mooddo addin galayr soo taagay suulka iyo fardhexada ka dhaabaaleeyay. Laba adeege ayaa markaa inta hore u soo tallaabsaday oo labada gacmood xaggooda hore i qabtay, si ay hoos iigu dugaan, iyaga oo igu hagaya in aan gacanta ka dhunkado. Hase yeeshee ma aanan dhunkan, maxaa yeelay iga ma daadegayso in aan sidaa gacan aan mid haweeneey ahayn u yeelo. Labadaydii adeege ayaa markooda ku kaltamay, oo iyagu markii ay jirjirka gacanta ka dhunkadeen ayaa calaacashana loo rogay, si iyadana u dhunkadaan7.

Markii hordhacyadaasi dhammaadeen ayaa nala fariisiyay derin Amiirkii oo markan waji suuroonaya iyo indho fagiigan na soo aaddiyay hortiisa taal. Amiirka caafimaadkiisa ayaa la warsaday, isaguna inta madaxa si ka-biyadiid ah u ruxay ayuu warsaday waxa muraadkeennu ahaa. Warqaddaydi ayaan jeebka ka soo dhuftay, dabadeedna adeege ayaa inta go'a la hullaabtay Amiirka u sii qaaday. Inta wax yar dammooday oo kursiga saaray ayuu faahfaahin dheeraad ah dalbaday. Dabadeed, af Carabi ayaan ugu sheegay in aannu Cadan ka nimi annaga oo salaan ka sidna Dawladdayadii, Hararna u nimi in aan Sarreeyaha jaahiisa aragno. Warkaa waxaa lagu dhammeeyay khudbad yar oo isbeddelka Wakiillada Siyaasadeed ee Carabiya iyo dulmar ku saabsan xiriirkii hore Ingiriiska iyo Amiir Abii Bakarkii xijaabtay uga dhexayn jiray. Amiirkii si wanaagsan ayuu u dhoollacaddeeyay. Dhoollacaddayntan waan in aan iraahdaa, gacaliye L(umsdenow), waxay ahayd mid aan laabta qaboojin.

Waxaan diyaar u ahayn tii ugu xumayd, qasriga xaalkiisu siduu ahaana sinna ba la isu ma dhigan karin. Wasiirkiisii maaliyadda, nin gaaban, fool xun, si qaab daran madaxu ugu xiiranyahay, qamaajuur ah, san bagafsan, oo indho caraysan iyo gar yuquf ah leh inta la faqay ayuu noo ishaaray in aan iska tagno. Gacmo dhundhunkashadii ayaa lagu celiyay mar kale, qolkii martidana waji fiican ayaannu ka la tagnay. Sida laga wariyo faan waynihii Bruce8 ahaa, "qasriga boqortooyada Iglan iyo midda Xabashidu habdhaqankoodu waa isku mid." Kuwii daaradaha qasriga Harar dhoobnaa ee markii indhaha naga dusinayay hadda waa dhoollacaddeeyeen, sidii ay na jecelyihiin. Iyada oo uu waardiyihii na horkacayo ayaan dhismihii ka soo baxnay, oo markii aan ilaa 100 yaardi soconnay soo galnay qasrigii labaad ee Amiirka. Halkaa ayaa nala ku yiri waa gurigiinnii. Halkaa waxaan ugu tagnay Badawidii oo iyagoo u qaadan la' in aan wali noolnahay kal iyo laab ka muusooday. Dabadeed jikadii Amiirka ayaa waxaa na loo ka keenay aqool Shabta ah - soor haruur ah oo karuur lagu iidaamay, basbaas guduudka oo milixii carrigan gudahaa ahna si daran loogu bilbilay. Cunnadii ayaannu cunnay. Dabadeed khasnajigii ayaa soo laabtay, isagoo Amiirka ka sida amar ah in aan booqanno Wasiirkiisa Garaad Maxamad ah. Hadba dhan u socodkayagii ayaannu dib ugu laabannay oo soo galnay guri kuwa kale lagaga garto daliigtiisa nuuradda ah ee kore, annaga oo uga sii gudubnay qol yar oo fooqa hoose ku yaal, si fiican loo nuuraddeeyay, laguna qurxiyay koobab geedo laga qoray oo mugag kala duwan leh. Waa uun tabtii jiko Ingiriis. Waxaan ugu tagnay nin oday laga haybaysto ah oo karaamada ka muuqataa ay beeninayso wararka ka yaal dhulkii Soomaaliyeed9. Isaga oo kor u hinqanaya, in kasta oo wajigiisa duuduubmay ay ka muuqatay in ay dhib ku tahay, ayuu dhinaciisa kursi dheer i fariisiyay. Halkaa waxaa u yiil qalabkii shaqadiisa; qalimmo, khad iyo looxyo cad cad oo uu warqad ahaan u adeegsado. Si xushmad leh ayuu ii soo dhoweeyay oo isagoo garkiisa baftada cad ah salaaxaya Carabi wanaagsan igu wayddiiyay muraadkayga.

Erayadii aan Amiirka ku iri uun baan ugu jawaabay. Si ay ahaata ba se, waxaan ugu daray xoogaa faahfaahin ah oo ku saabsan sidii waayo hore Madar Faarax uu Suldaankii xijaabtay ee Abii Bakar ahaa hadiyad ugu dhiibay barasaadbka Cadan, dadkeennuna ay doonayaan in xiriirradii saaxiibtinimo iyo isu socodka ganacsi ay Harar dib u la soo ceshadaan. "Khayr, Ilaah idanki!" ayuu la soo booday Garaadkii. Dabadeed, inta gacantiisa u foorarsaday10 ayaan ka tegay. Markii aan soo laabtay ayaan khasnajigii warsaday waxa ku dhacay hubkii adeegayaashayda oo aan wali loo soo celin, waxaana la iigu laabqaboojiyay in la dhigay maqaasiinnada kii ugu ammaansanaa, waa qasriga e. Dabadeed lixlay wareegalay11 caadi ah ayaan u sii dhiibay Amiirka, aniga oo u sharraxay kaan u sii dhiibay sida loo adeegsado. Dabadeed si wanaagsan ayaannu intii la karo u degnay oo salka dhigannay. Gudaha gurigayagu wuxuu ahaa nadiif ay darbiyadiisu salaaxanyihiin sagxadduna kabbis adag tahay. Ka soo horjeedka albaabka ee muska ah waxaa yiil laba sariirood oo balballaaran, ilaa laba cagood dhulka kor uga kacsan, yaardina dhulka ka sarreeya, oo lagu goglay dermo adag. Barkimihii weheliyeyaashaydu salsaarka kooraha u adeegsanayeen ayaan anigu sariir kaga xeeladystay rakadii kore. Markii aan hubsaday in gammaankii la quudshay oo la qoofalay ayaan dhinaca dhulka dhigay, aniga oo daal la il daran aadna ugu bogsanaa sugaanta meesha aan naal. Waa amiir cunsuri ah oo eraygiisa ugu yari geeri yahay, waxaan ku dhex jiraa dad ajaanibta neceb, waxaan ahay Yurubiga kaliya ee iridahooda la ma galaanka ah soo dhaafay iyo kii loo qoray in uu aakhirka iyaga halligo.

Hadda aan galo in aan Harar oo aan la aqoon wax ka iraahdo.

Waa magaalamadaxdii hore ee Hadiya, dadka degaa ay "Harar Gay" isku magacaabaan, Soomaalidu "Adari" u taqaan, Oromadu "Adaray" tiraahdo, Carabta iyo annaguna "Harar" niraahno. Waxay sida abbaartaydu sheegayso dhacdaa kob 220° Koofur Galbeed iyo 175 mayl Zaylac u jirta, Berberana 257° Galbeed iyo 219 mayl ayay u jirtaa. Qiyaastani waxay ku dhacaysaa meel ku beegan 9° 20´ loolka Waqooyi iyo 42° dhigta Bari12. Beeggu wuxuu tilmaamayay taag qiyaasta badda ka sarraysa 5,500 oo cagood. Meesha ay ku taal waa degaandegga buur aayar bari isu kala rogta. Dhanka bari waa beero la fasho, dhanka galbeed xatabado beero ah ayaa laga beeray, waqooyigu waa kur qabuuro waranyihiin, xagga koofureedna magaaladu waxay u hoobataa dooxo hoose oo gubad buuralay ahi dhexda ka kala jaro. Meeshaan kala dheer waxaa dabaysha ka dugsiiya, gaar ahaan dhanka waqooyi, silsiladda Kondura ay ka mid tahay figta qurxoon ee uga sarraysa. Waa sida gabyaaga reer Beershiya uu ugu heeso magaaladii samada laga jeclaa e,'kulkeedu kulayl ma aha, qabowgeeduna gabadano ma laha.' Intii yarayd ee aan joogay, hawadu waxay i soo xusuusinaysay carrasankii Tuscany. Galabnimadii Jannaayo 11 ahayd, onkod roob weheliyo ayaa dhacay, maalintii xigtay shuux is daba joog ah ayaa da'ay, subaxii saddexaadna roobkii waa qaaday. Se markii aannu buuraha ka gudubnay, daruuro madow oo cukan ayaa cirka qariyay. Maansuunku aad ayuu bil diraacda ka mid ah u culusyahay. Sidaa awgeed, inta aysan bilaaban ayaa dalagyada la sii beeraa, bilaha Diseembar iyo Jannaayana waa la goostaa. Xilliyada kale hawadu waa qallayl dhexdhexaad isu dheellitiran ah. Degmada Hadiya waxa uu Makrizi13 ku sheegay in ay tahay mid ka mid ah todobada14 magaalo ee Imbaraadooriyaddii Zaylac ee ay dhidibada u taageen Carab soogalootiga ahayd oo qarnigii 7aad ee Miilaaddiyada qabsaday oo gumaystay dhulka hoose ee u dhaxeeya Badda Cas iyo Buuralayda. Muslinka Harar saamayn wayn ayay ku lahayd Xabashida Masiixiga ah. Raaciyaddii Imbaraadoorradii Xabashidu ka haysteen Awdal, Canfartii iyo Soomaalidii hore waa hore ayay faraha ka baxday, Muslimiinta aan la xakamayn karinna waxaa lagu laaluushi jiray xoolo fara badan, marka ay damcaan in boqortooyada Masiixiga booqdaan. Xabashidu reer Awdal waxay ku saadi jirtay addoommo, kuwa kalana waxay qiimaha ugu beddeli jireen fudad milix ah. Isdhaafsi ganacsi ayaa isku dan ka yeelay, dagaalna labada dadba dhaawac uun ayay ka dheefeen. Si ay ahaataba, reer gubanta hoose ee seeflaboodka ah oo diin fidin iyo bililiqo ay kaga dhegganthay ayaa kaniisado Masiixi gubay, gaaladii gumaaday, baadiriyadiina jirdilay, ilaa ay kiciyeen aano caradeedu darantahay.

Qarnigii 14aad (1312-14 C.D.) ayaa Amda Sion15, Imbaraadoorkii Itoobiya, oo uu nafta u keenay Amano, Boqorkii Hadiya ee ku bannaanaa mid dumarka iyo ilmaha uun ka adag,ayaa gubanta hoose, laga soo bilaabo Tegulet ilaa Badda Cas cagta mariyay oo bililiqaystay. Axmaaradii waxaa la faray in aysan wax dhaqaaqa ka tegin. Markaa ayay, si ay uga jibo gaaraan. curraafi saadaalisay dhicidda Islaamka si walba uga badbadiyeen oo colaad ugu tiiqtiiqsadeen. Nabadi waxay timi uu markii Amda Siongeeriyooday. Waagii uu xukunka hayay Zera Yakub16 ayuu dabkii dagaalka dib Hadiya uga huriyay amiir reer Zaylac ah oo uu boqorka Itoobiya aflagaaddo u gaystay, markii uu foolashiisa wax ka sheegay. Ha se yeeshee, shaqaaqooyinkii ka dhacay ma ahayn kuwo sidaa u sii buuran. Boqorkii ku xigay, Baeda Mariam17, noloshiisii wuxuu ku dhammaystay dagaal joogto ah oo uu u galay sidii uu Awdal u qabsan lahaa. Markii uu nafkadhawrka ahaa, wuxuu amray in wajigiisa loo jeediyo dhanka kuwaa gubanta hoose dega oo jabintooda uu ka galay tacab 10 sano ah oo aan waxba ka naasacaddaan.

Dabayaaqadii qarnigii 15aad ayaa Maxfuud (amiirkii Awdal), Muslin cunsuri ah, nabar xun u gaystay Xabasha. Wuxuu ku dhaartay in sanad walba 40 ka beri ee Lent18 uu ku dhammaysto gaalada deriska ah dhexdooda, waa waqtiga soon si adagi uu nugleeyo oo ayna hub qaadi karin e. Soddon sano oo xiriir ah ayuu kaniisado iyo macbadyo dab qabadsiinayay, si naxariis darro ah u dilay nin walba oo uu haleelo, carruurta iyo dumarkana addoonnimo u qafaashay oo addoonsadeyaal qalaad ka iibinayay, qaarna u hadiyaynayay Shariifyada Maka. Waxa uu laaluushay Za Selassie, abbaanduulihii ilaalada Imbaraaddoorka, wuxuuna sababay khaarajintii Alexander (1478-95 C.D.) lagu dilay caassimadii hore ee Tegulet. Na'od19 kii ka dambeeyay guulo yar yar ayuu Muslimiinta ka gaaray. Biolowgii taliskii David III20, wiilkii Na'od oo 11 sano oo qura jiray markii xukunka la saaray hooyadi Iteghe Helenana looga dhigay korjoogto, labada dhanba waxay heleen hub dagaal oo cusub.

Ka dib markii uu Masar iyo Carabiya uu qabsaday Selim I21 (1516 C. D.), safarradii xujayda Jerusalem u socota ayaa la weeraray, dadka intii waawaynayd dhagtaa dhiigga loo daray, dhallinyardiina addoonsi ayaa loo qafaalay. Ganacsato badan oo Carab ah oo ka soo cararay cadaadiskii iyo caddaalad xumadii Turkiga ayaa dhanka kale ee xeebta Afrika u soo gudbay, halka Cismaaniyiintii ay qabsadeen Cadan ilaa Zaylac oo aysan ganacsigii Hindiya kaliya maraakiibtooda dagaalku si xun u burburin kaliya ee ay sigeen in ay Xabashiya oo dhan baabi'yaan. Waxay taakuleeyeen oo dhiirrigeliyeen Maxfuud, si uu burburintiisii u sii wado, halka Shariifka Maka uu ku wareejiyay xukunkii Zaylac uuna siiyay calanka Crusader22 ee cagaaran.
Dhanka kale, Alburquerque23 kii waynaa ayaa isla waagaa (1508-15 C.D.) waxa uu naa'ib ka ka ahaa Hindiya, isaga ayayna Itheghe Helena (Eleni)24 gargaar wayddiisatay. Safiirkeedii wuxuu gaaray Goa25, isaga oo sida falliir ka mid ah saliibkii saxda ahaa ee Masiix ku dul go'ay' oo hadiyad saaxiibtinmo ay Imbaraaddooradda Xabashidu ugu soo dirtay walaalkood Emanuel26. Taa waxaa xigay imaanshihii ay Masawac timi safaarad ka socota Boqorkii Bortuqaal.

Si ay ahaydba, isaga oo iska la wayn suggidda gargaar shisheeye ayuu David isaga oo 16 jir ah uu ruuxiisu goobta dagaalka Muslimiinta kaga hor yimi.

Goobtii la isku dhigay Maxfuud, Jaaluudkii kufaarta, hal iska horimaad ayuu Gabriel Andreas ku dilay,askari geessinimo loo daayay oo suufinnimo u go'ay, ka dib markii uu caaradda carrabkiisii ku waayay xorriyadda hadalka oo aan la oggolayn. Calankii cagaarnaa waa la qabsaday, muslimiintiina 12000 ayaa goobta la dhigay. David wuxuu sii dabagalay guushiisii, isaga oo weeraray gubanta hoose, aabayeel la'aanna warankiisii ula dhacay irdiha Boqorkii Awdal.

Harar, xilligii Maxamad Garang (Axmad Gurey), Atilla27hii Awdal, waxay ahayd uun xoogaa degmooyin reer miyi dego ah. Markii uu helay calooshood'ushaqaystayaal laga keenay Mukha, Turkigii Yamaneedna uu ka helay koox jeniseeri28 ah iyo madaafiida goobta oo aan kala go' lahayn ayuu Cifaat iyo Fatigar isku sii daayay. Sanadkii 1528 C.D. ayuu Showa qabsaday, Amxaaro cagta mariyay, kaniisadihii gubay, qaniimo aan la qiyaasi karinna ka helay. Duullaankii ku xigay waxa uu u suurageliyay in uu dayrtaa ku negaado Begemder. Sanadkii xigay Imbaraadoorkii David ayuu Tigre ku baacsaday, ilaa xudduudaha Sana'ar. Masiixiyintii ayuu dabadeed Wabiga Niil qarkiisa dagaal culus kula galay, gacantiisana ku dilay wadaadkii Gabriel ahaa oo xilligaa waayeel ahaa. Isaga oo ay xoojiyeen Gideon and Judith, boqorkii iyo boqoraddii Yuhuudda reer Samcaan ayna kaalmaysay abaar daran oo jilbaha dhulka ugu dhufatay wixii waran ka baxsaday ayuu gaboodfal nooc walba leh ku dhiiqsaday. Waa waagii uu qabsaday oo gubay Axum (Aksum), amiirradii dhaxalka boqortooyada lahaana ku laayay buurta Amba Geshe. Sannadkii 1540 C.D. ayuu dilay David III oo ahaa imbaraaddoorkii ugu dambeeyay ee qaatay cinwaanka 'Boqorka Boqorrada'29.
Claudius30 kii xukunka boqortooyada sii liicaysa la wareegay ayaa wuxuu safiir Yurub ugu diray nin Boortaqiis Xabasha ku xabbisnaa ahaa oo John Bermudez, isaga oo ballaanqaaday, sida la sheegay, in uu Boobka Rooma hoos tegi doono, dhulkiisa saddex meelood oo meel uu siisan doono xoojin ciidan. Amar uu bixiyay John III31 darti ayay Don Stephen iyo Don Christopher, labadii wiil ee Don Vasco da Gama, Badda Cas la soo jibaaxeen sinjaar maraakiib dab xoog leh sita ah. Labada koodii yaraa ayaa inta Masawac kala soo degay 400 oo buntukhlay ah halkaa ku dilay barasaabkii Nuur ahaa, madaxiisiina u diray Gondar oo Iteghe Sabel Wengel32 oo iyaduna ugu bishaaraysatay sidii calaamad bayaxownimo. Dabadeed, janankii Boqtaqiisku si aan caqli ku fadhin ayuu xilliigii maansuunka duulay, iyadoo isla markiiba ay banka Ballut foodda isku dareen (Axmad Garagne (Gurey)) iyo 10,000 oo waranlay ah oo gaan fardoolay ah weheshay. Dhanka kale waxaa ka soo jeeday baaba' Xabashi ah iyo koox yar oo geesiyo Bortuqiis ah oo uu hogaaminayeen askari kii ugu geessisanaa. Sida laga hayo Baadari Jerome Lobo, oo wixii dhacay goobjoogayaal ka maqlay, labada kabtan shir ayay yeesheen. Axmad oo degay meel weerarka ku habboon ayaa farriin u diray Don Christopher, isaga oo u sheegay in Xabashida dhagarta badani ay Boqorka Boortuqaal soo hodeen, iyada oo dhallinyaronimo loogu dhimrinayana loo oggolaan doono isaga iyo raggiisaba meel ammaan ah oo ay ka baxaan iyo saad ay dhulkoodii ku gaaraan. Kirishtaankii wuxuu safiirkii Muslinka u soo dhiibay maro qaali ah, jawaabtan geessinnimada lehna soo diray, 'in isaga iyo askartiisu ay u yimaadeen in Axmad ay ka saaraan dhulalkii uu gardarrada ku qabsaday, in taladiisu hadda ay tahay in intii sidii uu ku yimi ku noqon lahaa, sida Axxmad ku taliyay, uu isaga qudhiisu jid ka bannaysto dhulka cadawgiisa, in Axmad uu kala doorto in uu dagallaamo ama uu soo celiyo dhulalkii uu boolida ku qaatay intii uu talo isaga u soo jeedin lahaa, in uu taladiisa oo dhan saartay awoodda wayn ee Alle iyo xaqnimada uu ku socdo, iyo in si uu naxariista Maxammad sida uu ula dhacsanyahay uga jawaabo uu u soo dhiibay diirado iyo biinso (kalbad)'.

Jawaabtii iyo hadiyaddii carada ay ku dhalisay Boqorkii Awdal inta ay la'ekayd, waxa uu ka istaagay miiskii, si uu weerar ugu qaado ciidankii yaraa ee Boortaqiiska ahaa oo buur kayn dhinaceed ku tiil degaandeggeeda fadhiyay. Dushooda waxaa degganaa Xabashidii oo doortay in ay isha ka daawadaan goobta kii guushu raacdana ku biiraan. Axmad wuxuu gulufkii ku bilaabay toban fardooley ah oo qura, iyada oo in la mid ah oo Boortaqiis ah loo soo saaray. Tobankaasi, inta ay shiish wacnaan ka qabaan, sagaal Moor33kii ka mid ahaa ayaa dhulka dhacay, Boqorkiina waxaa lugta ka dhaawacay Peter de Sa. Isku yaacii ka dambeeyay ee gorodda la is daray, Muslimiintii ka fajacay jabka degdegga hore ah ee gaaray, waxaa dhakhso u jabshay banaatiikhdii iyo madaafiicdii Boortaqiiska, Axmmadna dirqi ayuu naftiisii ku badbaadiyay. Si ay ahaydba se, raggiisii ayuu urursaday oo dhufays adag ka qotay meel la yiraahdo Membret, isaga oo u dan lahaa in uu halkaa ku dayraysto oo hiil ku sugo.

Boortaqiiskii oo guul ka door bidayay hanti, waxay daba galeen cadawgoodii oo ay damceen in ay dhammaan go'doonshaan. Ha se yeeshee, markii ay dhufayskii geli waayeen ayay iyana dhufays ka galeen kur sare oo ka soo horjeedda. Saadkoodii maalin ba maalinta ka dambaysa ayuu isa sii dhimay, saaxiibbadoodii Masawac u ma soo gurman karin, si ay saad ku qaraabtaan ma ayan aqoon, xulafadoodii Xabashida ahaydna isku ma ayan hallayn karin. Saa oo ay ahayd, qiiro iyo isku tiirin magangal Rabbaani ah awgeed, shaki ka ma galin in ay dhib oo dhan ka moosaan. Axmad ruuxiisu ma shiidaad yarayn. Amiirradii Muslimiinta ayuu gargaar ka dalbaday, isaga oo dareenkooda diineed kicinayana waxaa soo gaaray 2000 oo buntukhley Carbeed ah iyo saanad madaafiic ah oo Turkiga Yamaneed soo diray. Isaga oo uu hiilkaasi dhiirrigelay ayuu dabadeed dhufayskiisii ka baxay, si uu ugu galo kii Boortaqiiskii oo geessinimo tii ugu sarraysay inta kaga hor yimid raggiisii in badan laayay, weerarro badanna ku qaaday, in kasta oo iyagana ay khasaarooyin waawayni gaareen. Don Christopher durbaba xabbad ayaa gacanna jebisay jilibna cardaadiqaha ka dhigtay. Maantaa geesinimo ayaa aad uga sare martay ciidan badnaan. Dabadeed, cadawgii inta dhufayskii soo jiiray ayuu galay oo Kiristaankii birta ka aslay. Janankii Boortaqiisku 10 nin ayuu gawracii kala baxasaday oo kayn salka la galay, halkaa oo qayb cadawgii ahi ay ka heleen. Axmad oo farxadi ka badatay, markii uu cadaw kii ugu darraa gacanta ku dhigay ayuu Don Christopher ku amary in uu baxnaaniyo oo daweeyo adeerki iyo wiil uu adeer u yahay oo dhaawacmay, isaga oo u sheegay in naftoodu tiisa ku xirantahay, haddii ay dhintaanna uu isagu ku eedaysanyahay in uu dadajiyay. Boortaqiiskii wuxuu ku jawaabay in uu u yimid in uu Muslimiinta baaba'sho ee uusan u iman in uu naftooda badbaadiyo. Sida uu u hadlayo markii uu ka carooday, ayuu Axmad maxbuuskiisii dhadhaab madaxa ka la dhacay, askartiina jirdillo kala duwan oo isaguna uu si shahiidnimo leh ugu adkaysaty u gaysteen. Ugu dambayn, markii in uu muslimo, haddii uu rabo in uu Hindiya nolol kula noqdo loo soo jeediyayna, geesigii aad ayuu u carooday. Diidmo tii ugu sarraysay ayuu ku jawaabay, taa oo ahayd in aysan jirin wax ku kufrisiin kara Rabbiggiisa Sare si uu u raaco 'beenaale', oo haddana raaciyay in uu si daran u caawo 'Nabegii beenta ahaa' ilaa uu Axmad qoorta dhinac ka dhigay. Maydkii waa la jarjaray, waxaana loo kala diray meelo badan, se Kootalidii ayaa maydkii shahiidkooda isu ururshay oo xabaalay. Moor walba oo soo maraa dhagax ayuu dusha kaga tuuray muddo aan dheeraynna waxaa ka samaysmay taallo.

Baadari Lobo waa ay ku adkaatay in uu kala guro si uu lafahaa barakaysan u soo qufo34. Wuxuu cir'aanaysi aan lagu maagi karink ku yiri: 'Waxaa ka jirta carriga sheeko caado ah oo ku saabsan halkii Don Christopher madaxiisu ku dhacay in il mucjiso ah oo cudurro badan dawaysa ayaa ka soo burqatay'.

Axamad Garang (Gurey) wuxuu guushiisii ku sii xoojiyay in uu Claudius Xabasha ku dhex baacsado, iyada oo aan cidina u babac dhigi kari ciidamadiisa. Ugu dambayn, intii yarayd ee Boortaqiiska ka badbaadday ayaa Imbaraadoorkii Kiristaanka u cawday, dabadeedna waxaa lagu qanciyay in uu ciidan ku soo bixiyo Boqorkii Awdal. Iyaga oo ay ka go'nayd in ay janankoodii u aar gudaan, ayay codsadeen in laga dagaal geliyo halka ku aaddan Axmad, xooggoodii oo dhanna isugu geeyeen halkii uu Atillihii Muslinku ka dagallamayay. Dadkiisa ku diinta ahi wali waxay ka sheekeeyaan in markii Grange dhul dhacay ayarwadiisii, Talwambara, geesiyaddii ina Maxfuud, si ay uga hortagto googooyo iyo firdhin lagu la kaco hoggaamiyihii Islaamka, maydkii si qarsoodi ah u xabaashay oo booskiisii addoon ku beddeshay, si uu xeel dagaal ahaan isugu ekaysiiyo, inta meel nabad ah dib loogu guranayo madaxdiina ka ogaysiinayso.

Baadari Lobo si ka duwan ayuu u dhigay dhacdadaa. Sida isaga laga wariyo, Peter Leon, shiishyahan darajo yar se geesi ah oo kaaliye u ahaa Don Christopher ayaa Boqorkii Awdal goobta ka dhex calaamadsaday, oo isaga oo raggiisii dagaal gelinaya madaxa ka toogtay. Axamad cadawgiisii waa daba galeen, ilaa uu dhulka mayd ahaan ugu dhacay. Boortaqiiskii inta faraskiisii ka degay ayuu dhegaha middood ka goostay oo raggiisii dib ugu laabtay. Muslimiintii si xun ayaa loo jebiyay, hogaamiye Xabashi ah oo maydkii Guray dhulka ka helay ayaa dabadeed madaxii u hadiyeeyay Neguuska ama Imbaraadoorka, isaga oo sheegtay sharafta ah in uu isagu dilay cadawgii waddankiisa ugu darnaa. Peter oo aamus ku dhegaysanayay indha'adaygaas ayaa warsaday in boqorku hal dheg ah lahaa oo tii kale jeebkiisa ka soo dhuftay, Xabashigii oo yaabban35. Sidaa ayuu ku xijaabtay, 14 sano oo dagaal aan kala go' lahayn ah dabadood, geesigii Afrikaanka ahaa ee wixii 2500 oo sano la soo dhisayaya askaaxda ka yeelay. Sida 'Kardillan'kii Holy Land ayaa Axmad Gurey wali sheekooyin badan oo naxdin leh laga sheegaa, ilaa waaganna dadka reer Showa nacayb ayay u qabaan Muslimiinta gubanta hoose dega.

Axmad waxaa xukunka Awdal uga dambeeyay Amiir Nuur ina Maajid, sida dadka qaar sheegaanna, 'Gurey' walaalki ahaa. Talwambara ayuu guur ka dalbaday, iyada oo kaga yeeshay hal xujo ah oo ahayd in uu Imbaraaddoor Claudius madaxiisa cagaheeda soo dhigo. Sannadkii 1559 C.D. ayuu farriin ku barifur ah u diray Neguuska oo inta si mucjiso leh u badbaadiyay Xabasha dib u dhisayay Debra Work 'Buurta Dahabiga" ah, macbad aad loo jeclaa oo ay Muslimiintu gubeen. Claudius oo aan jeclayn qorrax madoobaadka oo curraafaystay, iyo bacawsiga (Turkiga) oo u weheliya soo duulidda cadawgiisa ayaa sidaa ku yeelay isu banbax dagaal. Maarso 22, 1559, iyada oo labadii ciidan ku dhowyihiin in ay is weeraraan ayuu wadaadkii ugu sarreeyay Debra Libanos Neguuskii u soo degdegay oo u sheegay in uu riyo ku arkay (Malagga) Jibriil oo uu ku amray Imbaraadoorka Itoobiya in uusan macna darro naftiisa u halligin. Xabashidii cir'aanayska badnayd dibadda ayay ku dhaceen, iyaga oo Claudius uga tegay in yar oo ciidan Boortaqiis ahaa. Iyagii dhakhso ayaa hareerihiisa loogu laayay, boqorkiina isaga oo dhaawacyo badan qaba goobtii la dhigay. Dabadeed Amiir Nuur madaxa ayuu ka soo gooyay oo Talwambara cagaheedii hoos dhigay, sidaana iyada oo ballantii fulinaysana ooridiisii ku noqotay. Amazontani waxay billaddii oo ay timaha ka xiirtay suratay laanta geed gurigeeda ka hor jeeda, si indhaheedu araggaa ugu doogsadaan. Laba sano markii uu meeshii surnaa ayaa waxaa ka iibsaday ganacsde Armenian ah oo ku duugay Kaniisadda way nmee St. Claudius (Wali Kalawdiyus) ee Antioch ku taal. Magaca geesigii Kiristaanka ee goob walba ku guulaystay, marka laga reebo tii uu ku dhintay, waxaa lagu daray diiwaanka dheer ee awliyada Xabasheed oo uu kaga jiro meel caan ah oo loo yaqaan wanjalihii Axamad Gurey.

Amiir Nuur isagana dadkiisii way xuseen, iyaga oo "Waligoodii" ay jeclaayeen ku xabaalay qubbi yar oo Masjid Jaamaca Harar agtiisa ah hoostiisa. Guushii uu Kiristaanka ka gaaray wax yar dabadeed ayuu darbiga hadda ku xeeran Harar ku wareejiyay . Waa dhacdo hadda sheeko xariirada Muslinka aad ugu baahday. Halyaygu wuxuu si joogto ah ula tashan jiray Al-Khizr36. Mar, isaga oo fadhiya dhagax wali lagu magacaabo Gay Humburti (Xuddunta Harar) ayuu baryay in Maka looga soo diro Shariif ka kaalmeeya dhisme magaalo ma guurto ah. Isaga oo "Magaca Wayn" adeegsanaya ayuu nebigii miskiinka ahaa Carabiya uga yeeray Shariif Yoonis, wiilkiisii Fakhr-al-Diin iyo fir Ansaar ah, ama u gargaarayaashii Nebiga. Waxay dageen Harar oo barakada joogintaankooda ku barwaaqowday. Sheekadaan waxaan ka faa'iidaysan karnaa in magaalada dib loo dhisay, horraanteediina ay bilaabeen oo degeen Carab gaajaysani. Shariifyadu si xiriir ah oo mar mar laga dhex galay ayay u soo xukumi jireen, ilaa dhawr fac uun ka hor markii reerka hadda xukumaa uu xukunka qabtay. Bruce sida uu qabo, waa Jabartiyiin inta Sayidyada ka guursaday nasab sheegtay. Waxay ku abtirsadaan Khaliif Abu Bakar iyo Caqiil ina Abuu Dhaalib oo Cali walaalki ah. Culimmadu, in kasta oo ayan ku dheeraysan karin, waxay caddayn u rumaysanyihiin in ay Gaalla (Oromo) cawaan ah ka soo jeedaan.

Magaalada Harar ee hadda jirtaa, qiyaas ahaan waa hal mayl oo dherer ah iyo intaa barkeed oo ballac ah. Darbi aan sinnayn oo dhowaan la dayactiray se aan kanooni karin ayaa waxaa ka daloola shan irdood oo waawayn oo ay taageeraan shan aargooyin qoolaabyo aan qurux dhismeed lahayn ah. Guryaha iyo qalcaduhu waxay ka samaysanyihiin dhagax adag oo aan sinnayn; dhagax dixeed iyo dhagaxciideedka buuraha oo sibir looga dhigay dhoobo, sidii magaalooyinkii hore ee Oromada. Guriga qura ee wayni waa (Masjid) Jaamaca, mooro dheer oo arrad ka muuqdo, irduhuna jajabanyihiin, laba minnaaradood oo madaxyo dhuubanna leh. Waxaa dhisay laba fuundi oo Turki Mukha iyo Xudayda ka kala yimi ahaa.

Middood ayaa mar dambe duntay, waxaana lagu beddelay mid xirfad liidata oo Harari ah. Magaalada dhir xoogaa roon ah ayaa ku taal, se ma laha beerihii degaannada Bariga siinayay aragga wacan ee balad iyo baaddiye la isku daray ahaa. Jidadku waa wadiiqooyin cariiri duud iyo deli ka dhac ah oo ay daadsanyihiin tuumisyo aad u waawayn oo qashin duddo eey cadho qaba ama il la'i oo xataa kuwooda ugu wanwanaagsan la dhagxiyo ay farfadhiyaan. Guryuhu badanaa waa hoosooyin dhaadheer oo saqafku fidsanyahay, laba laba fookh ah, irduhu hal loox ka qoranyihiin, dariishadana looga dalooliyay meel aasaaska ka sarraysa oo alwaaxyo qaab daranna lagu xardhay. Guryaha waawayni waxay leeyihiin qolal dumarka u gaar ah oo ku yaal halka daaraddaha ugu dambaysa, irdana waxaa u ah dhis bal Haruur ah. Dabaqadaha dadka ugu faqiirsani waxay degaan "Gambisa", waa aqalka raarka ah ee beeralayda buuraha e. Magaalada waxaa ka buuxa masaajid, guryo uun caadi ah oo aan minnaarado lahayn, qubuurahana waxaa laga taagaa daharro - looxyo qabaallo laydiqoolaab dhagax ah oo gudub dhinaca dhulka loogu muday. Waxba iiga ma baahna in aan sheego in ay Harar isku la wayntahay cilmigeeda, karaamadeeda iyo awliyadeeda, intaba. Waliga ugu muhiimsan ee magaalada ku duugani waa Sheekh Cumar Abaadir al-Bakri oo asalkiisii Jedda ka yimi, haddana xirsixiraha Harar ah. Waxa uu ku aasanyahay qubbi yar oo qaybta koofureed ee magaalada, Iridda Bisidimo, agteeda ku yaal. Magaalamadaxdii hore ee Haditah waxay Zabid-da Yaman la wadaagtaa iyada oo ku caanbaxday waxbarashada laga aflaxo, degmooyinka ku dhawdhawna waxaa ka buuxsama macallimiin faqiirro ah iyo wadaaddo suufiyoobay. Meel aanu cilmigu waxba kordhin raacashadiisa waxba lagu ma dadaalo, caqliguna cawaannimo ayuu uun ku raagaa, sida uu leeyahay Faylasoofkii Volney37. Ma jiraan machadyo waxbarasho, dhawrtooyin waxbarsaho, sida guud ahaan Bariga ka jirta, sida muuqatana ardadu dhiirrigelin ma helaan. Buugta dhif ayaa loo helaa, waana qaali. Wax aan cilmiga Diinta ahayn la ma barto. Culimmada ugu waawayni waa Kabiir Khaliil, Kabiir Yoonis, iyo Sheekh Jaamac. Labada hore mar dhif ah ayay guryahooda ka baxaan, iyaga oo waqtigooda oo dhan u hibeeyay barasho iyo barid. Kan dambe (Jaamac) waa Soomaali siyaasadda door firfircoon ka qaata. Macallimiintaasi waxay wax ku baraan afka Harariga, af gooni ah oo aan gidaarrada magaalada dhaafsiisnayn. Naxwaha iyo sarfiga erayadaba waxay u muuqataa in Carabi ku jiro, sida Soomaaliga iyo afafka kale ee gobolkan Bariga Afrika. Waa uun laan Semitig ah oo lagu tallaalay xidid af guri ah. Soo noqnoqodka joogtada ee xarafdalqeedka kh ayaa wuxuu ka dhigaa adayg aan loo bogin, wax qoraal la akhristo ah ma leh - marka laga reebo heeso iyo sheekooyin ku qoran xarfaha Naskhiga casriga ah. Si wanaagsan ayaan iskay ugu sii dersi lahaa, waxaa se iga hor istaagay kanshe la'aan.

Dalmareenku hadde isna imminka waa in uu, sidii caadaada ahayd, aayarsadaa, illeen waa uu ku qancay ka jeedaalinta Pisgah38diisii Dhulkii Ballanqaadka ee Cilmiga oo aan filayo in mid iiga sii nasiib wacan loo qoray in uu hantiyo39.

Saylac wuxuu Xaajigii iiga soo diray addoon Xabashi ah oo aqoonta afafka balo ku qaba. Haddii se aan oraahda la wada yaqaan adeegsado; 'gacantiisa bidix ayuu dhegtiisa midig ku tilmaamayay'. Harar gudaheedada si aad ah ayaa na loo ilaalaynayay, ilaa in warqad iyo qalin la isa saaro la holi waayay. Ha se yeeshee, inta xagga Wilensi u fogaaday ayaan si kabta karinta saar ah u aruuriyay qaababka naxwaha iyo eraybixin sixi doonta sheegashada shaacday ee ah in 'afku Carabi ka soo jeedo, Amxaarigana waa la tol'40. Harar ma laha af u gaar ah oo kaliya e dadkeeda yar ee 8000 qiyaasta ahi waa fir gooni ah. Soomaalidu waxay yiraahdaan, magaaladu waa Janno dameero degeen, dhab ahaanna muuqaalka kore ee dadku innaba soo jiidasho ma leh. Ragga waji qurxoon ku ma dhex arag. Jirkoodu waa qallayf isha ka dilan. Kuwo badan oo ka mid ahi waa himbiriirsanayaan, kuwana il baa furuq tiray, waxaana jirkoodii fool xumeeyay qaaxada qanjiradda gasha iyo cudurro kale. Qeexiddaa xun ee dhaqankooda ayaa u marag ah maahmaahda, 'Qalbi adkaa ma Harari baa!' Guud ahaan midabku waa hurdi maarriin xiga, garku ma dheera waana oo yuquf xuna sida timahoodaba aan la isugu duwi karin. Calaacalaha, cumaacumaha, cagaha iyo anqawyaduba waa waawaynyihiin oo si xunna u baxeen. Dhererku waa dhexdhexaad, duqayda qaarkoodna waxaa ka muuqday 'kelyo buurbuuran' iyo calooshii buurnayd ee Baaniyaalka, halka kuwo kale ay lafo dhuuban yihiin, sida Carabta ama Yuhuudda. Codadkoodu waa dhaadheer aan edboonayn. Dharku waa isku jir Carabi iyo Xabasheed. Madaxa waa xiirtaan, shaaruibbadana aad u gaabiyaan sida Shaaficiayada Yaman. In badan madaxu waa u qaawanyahay, qaar koofiyad badanaa rakaamo Hindi leh ama Takiyada suufka la yaqaan ee Masaarida ayay qaataan. In yar ayaa duubka cad ee Harariga wanaagsan ah si debecsan dhegaha dushooda ugu duubta. Dharka kore waa go' la raariciyo, sida carriga Soomaalida, ama dhexda lala guntado suunka toorrayda. Dabaqadaha maalqabeenka ahi Futah ama qayd ayay ka hoos guntadaan, dadka la qaddariyaana waxay qaataan qamiisyo Carbeed oo bafto cad ah. Kabo saandal maas adag ah, tusbax iyo caday ay caadaysiga tubaako ruugiddu qasab joogto ah ka dhigtay ayaa labbiska dhammeeya. Hubku, maadaama uu waddooyinka ka reebbanyahay, reer magaaluhu waxay sitaan ulo shan ilaa lix cagood dherer jeeda. Dumarka oo aad uga badan ragga, sida ay u badantahayna ay ugu wacanyihiin addoomaha dumarka ah ee badan, waxay u muuqdaan in ay raggooda ka qurxo badanyihiin. Waxay leeyihiin madaxyo yaryar, jir siman, saman toostoosan, indho waawayn, afaf qaabka Qawqaaska dhadhawaynaya iyo midabbo hurdi furan ah. Dharku, aan iraahdee, halkan waa qurux qariye. Shaati suuf ah oo dheer oo ballaaran, gacmo gaabna ah sida cabbaayadda Carabta, midab lafcir ah lagu aslay ama bunni tiq ah oo lagu xardhay saddexgees casaan ah. Hore, gadaal, garabka hoostiisa iyo shafka inta laga kala rido ayaa dhexda lagaga xirtaa suun suuf cad ah oo xoruhu casyihiin. Haweenka dabaqadaha sare ahi marka ay guriga ka baxayaan garbasaar buluug ah ayay madaxa saartaan, waa na dhif in ay indhaha shareertaan. Timaha inta dhexda ka kala baraan ayay laba galaan oo waawayn dhegaha hoostooda isugu keenaan oo gambo midab buluug mugdi ah ama ilyar ay labadeeda dacal garka hoostiisa isaga xirmaan ku daboolaan. Taalooggan waxaa wareegga madaxa isu la haya masar saatiin buluug ah oo ballaarka ku kala duwan, hadba sida qofka xirani uu u heli karo. Qaarkood waxay ku qurxiyaan biinan waawayn oo midab dahabi ah leh, kuwo kale waxay ku duubaan Taash geedsaar carfoon ah, kuwo kale inta timahooda oo aalaaba hirar leh ee aan xariir ahayn, dherer cuffanna u baxay, guntin á la Diane41 isugu duubaan ayay qadaada ka xiraan. shareer timo biigado gaagaaban oo isu dhow leh oo ka soo daatay xirmada hoosteeda ayaa garbaha si xallad leh ugu dhaca. Mardaadiga qalinka ah waxaa xirta oo kaliya qofafka sarsare. Dhegta waxaa lagu qurxiyaa dhagagashi kuul Soomali Cunaabi shacaabi cas ah, luquntana kuul isla noocaa ah, cududahana lix ama toddoba sindiyado balballaaran oo gees lo'gisi ama geesaha kale ee madmadow oo sidii Galbeedka Hindiya loo sanceeyay ah. Ugu dambaynna, xiddigo ayaa lagu khaddaabaa namasta, sunniyaha rinji ayaa lagu dheereeyaa, indhaha waa la kuulaa, gacmaha iyo cagahana cillaan ayaa la marshaa.

Codka dumarku waa qallayf qaylo ah, gaar ahaan marka ay ka daba hadlaan codka oorganka macaan ee ragga Soomaalida. Dumarku guriga ayay ku hawllanyihiin, iyaga oo cudbiga go'yaasha, masarrada iyo cimaamadaha laga sameeyo miiqaya ilmahoodana dhabarka ku sida ayay biyaha ceelasha kaga soo qaadaan qulco waawayn oo madaxa lagu qaado, beerrahana falaan. Raggu iyaga oo sidii Xabashida hawshaas sharafdhac u haysta ayay fariistaan oo wax ku iibiyaan suuqa jidka dheer ah oo halkan u dhigma basaarkii Bari. Ruugidda tubaakada ayaa waqtigooda inta badan dhaafisa, kuwooda maalqabeeka ahina waxay si qumman ugu dhaashtaan subag, halka kuwa faqiirrada ahi ka adeegsadaan haraadiga xaydha idaha. Anshaxa oo ay ku adagyihiin ayaa marar jeedlid fagaare ah laga ma maarmaan ka dhiga. Inta hawshaasu ayan bilaaban, dhawr qulcood oo biyo qabow ah ayaa madaxa iyo garbaha lagaga daadshaa eedaysanaha, dabadeedna shaabuug hal fayraq ah si fiican loola dhacaa. Lab iyo dheddigba dadkani saqajaannimada waa ku caan. Madax iyo majaba si caddaan ah ayay cabbitaannada lagu sakhraamo biir iyo miid42 u macaansadaan. Amiirku wuxuu sameeyay kormeerto biyakamadhibcaan ah oo si naxariisdarro ah u uleeya kuwa saacad go'an dabadeed lagu qabto jidadka. Waa cunsuriyiin xad dhaafay, gaar ahaan liddiga Kiristaanka, dhaxalkii dagaalladii ay Xabashida la galeen iyo "ku Jihaadka" Oromada oo ay guulo badan ka sheegtaanna waa ka helaan.

Waxaan arkay warqad uu Amiirkii dhintay Xaaji Sharma'arke u soo diray oo ku faanayo in uu 1000 gaal dilay, isagoo si afmaal ah uga baryaya dhawr rodol oo baaruud Ingiriis ah. Hararigu ajnabiga si gaar ah ayay nac iyo nacdiir ugu hayaan, waxayna u qaybiyaan laba nooc oo kala ah Carab iyo Soomaali. Kuwa dambe, in kasta oo ay ku dhawaad saddex meelood oo meel bulshada ka yihiin ama 2,500 oo ruux, waa haddii aan erayadooda adeegsado e, waa rakhiis, sida xashiishka. Fulaynimada caadada u ah waxaa sii kordhiya awood iyo isxammayn la tusay, halkaa oo erayga "xabsi" uu argagax ku rido. Kuwa kale waa ilaa 3000 oo badwi 'gal oo bax' ah. Ilaa irdaha magaalada lagu keeno, carriga waxaa dega Oromada. Dadkan aan xasilloonayn wa in hadiyado maryo ah lagu laaluushaa, ilaa 600 oo go' ayuu sannad walba Amiirku qaybshaa. Waa dhawayd, mar furuq magaalada ka soo fiday uu in badan ka laayay, xigtadii dadka dhintay ayaa waxay dalbadeen oo la siiyo mag. Si fudud ayay meesha ku qabsan karaan, se waxay u daynsanayaan tooda. Oromadaasi waa geesiyo, rasaasta buntukha waxay kaga gabbadaan iyaga oo dhulka dhambacaad isu tuura marka ay hillaaca arkaan, waa fardafuul wanaagsanyihiin, warankana si xirfad leh ayay u adeegsadaan. In kasta se oo ay caado ahaan ay fir xun yihiin, dadka magaaladu wanaag ayay ka sheegaan. Soomaalidu dhib ku ma qabto in ay ku dhex safraan. Marar badan ayaan Zaylac iyo Harar ka maqlay iyada oo ganacsato ay gaareen ilaa Galbeedka fog, iyaga oo toddoba bilood hadba dhinac u jara dhul cawaan jijimo dahab ah xiran, ilaa ay Badda Milixa ah ee Faranjigu doomaha shiraaca leh kaga goosho ka gaaraan. Wilensi nin Maxamad la yiraahdo oo Sheekhaal ah ayaa wuxuu i siiyay diiwaankii safarkiisa oo 15 minqaad uu ku gaaray isha Wabiga Abbay, ama Niilka buluugga ah. Wuxuu qiray kuteenta aan cilmiga ku dhisnayn ee Soomaalidu sheegto in Hawaash iyo Webi Shabeelle ay labaduba ka unkamaan silsiladda buuralayda dhirta badanah ee uu ka curto wabiga (Niil) Masar43.

Dawladda Harar maamushaa oo dhammi waa Amiirka uun. Amiirradaa naxariista darani waxay caado u leeyihiin in ay dilaan or xiraan dhammaan kuwa looga shakiyo ama damac ka galo kursiga xukunka. Axamd awoowgiisii labaad wuxuu ku dhintay xabsi, aabbihina dirqi ayuu sidaa si la mid ah kaga badbaaday. Markii Amiirka hadda xukunka hayaa uu xukunka qabtay, waxaa la sheegay in Makadka ama beeldaajaha Oromada reer Noole uu u sheegay in maxaabiistiisa uu u soo daayo ama uu faraskiisa kooraysto oo uu magaalada isaga baxo. Si ay ahaataba, saddex ilma adeerti ah ayaa markii aan Harar booqday xabsi go'doomis ah ku jiray. Mid ka mid ah ayaa xilligaa dhintay, waxaana lala aasay seetadiisii silsilad ahayd. Soomaalidu waxay sheegaan in xabsiga dawladda ee Harar uu ka hooseeyo qasriga, qofkii mar galaana uu ku abaado garka iyo ciddiyaha oo ku baxa ilaa maalinta madaxiisu furto. Amiirka Axmad ah xaaladdiisa caafimaad ma sugna. Qaar waxay tabar la'iddiisa sabab uga dhigaan faras uu waa ka dhacay, kuwo kalena waxay sheegaan in xaasaskiisa middood ay sumaysay. Anigu qaaxo feeraha u fadhiisatay ayaan ku xukumay xaalkiisa. Geeri ayuu qarka u saarnaa wax yar ambabaxygii ka dib, dabadeedna dhakhtar ayuu ka dirsaday Cadan. Afar xaas ayaa u dhaxa. Tan koowaadi waa gabar uu dhalay Garaad Xirsi, tan labaadi waa haweenay reer Sayidka Harar ah, tan saddexaad waa addoon la xoreeyay, tan afaraadna waa gabar uu dhalay Garaad Cabdimajiid, mid ka mid ah ragga madaxda sare ah. Laba wiil ayuu dhalay oo sida ay u badan tahay aan waligood xukunka qaban doonin. Midkood waa ilme dhashay, kan kalena waa wiil yar oo ilaa shan jir ah.

Amiir Axmad saddex sano ku dhawaad ka hor ayuu abbihi xukunka ka beddelay. Xukunkiisu waa adagyahay, haddii aanu caddaalad ahayn, wixii sir ahaana waa u dhanyihiin. Sida Amxaaraduba tiraahdo "Sarreeyaha callooshiisa la ma ogaado". Xataa Garaad Maxamad, in kasta oo mar walba shirka cudur iyo caafimaadba looga yeero, ku ma dhaco in uu talo aan la wayddiin dhiibto. Carmaladda idman ee Gisti Faadumana seeto bir ah ayaa loogu gooddiyay haddii ay faragelinta arrimaha siyaasadeed dayn waydo. Axmad shaqadiisa ugu wayni waa dabagalka ilma'adeertiisa u daacadda ah, isaga oo cabsi aan sal lahayn ka qaba Ingiriiska, Turkida Xaaji Sharma'arke iyo hanti uu ku urursaday ganacsi iyo boolimeersi. Dacwooyinka madaniga ah iyo kuwa diineed isaga ruuxiisa ayaa kala xukmiya, se faragelin yar ayuu Qaaddiga magaalada, Cabdiraxmaan bin Cumar al-Harari, uga oggolyahay. Qaaddigu, in kasta oo aad looga dambeeyo, badanaa la ma dhibo, maadaama guud ahaan xukun degdeg ah la door bido. Ciqaabtu marka ayan lacag khusayn, badanaa waxaa loo eegaa sharciga Islaamka. Qofka wax dila jidka suuqa ayaa la keenaa, indhaha loo duubaa, lug iyo gacanna waa laga xiraa. Qofka dad u xiga qofkii la dilay ayaa dabadeed madaxa middi gaallays culus oo afaysan ah qoorta uga gooya, maydkana xigtada ayaa la siiyaa, si ay aas Muslin ugu sameeyaan. Haddii jafta hore ay guul darraysato, sida badan edaysanaha cafis ayaa loo fidiyaa. Marka qof madani ah uu toorray u la baxo mid kale ama shaqaaqo geysto, si nooc silloon ah ayaa loo ciqaabaa. Laba nin ayaa jeedal fardoodyadooda dhabarka iyo shafka kala dhaca, amiirka oo ciqaabta horstiisa lagu fuliyo ayaana amarka lagu joojinayo bixiya. Xatooyada gacan goyn ayaa lagu ciqaabaa, kuwa dawladda dambi ka galana xabsi ayaa lagu abaalmariyaa. Waa meel baas xabsigu, maxaa yeelay maxbuuska bir culus ayaa lagu jabshaa, hul qarmuun oo loo nacay ayuu yaal, wax cunno ahna ma helo, marka laga reebo waxa reerkiisu u keeno, ama uu iibsado, ama uu waardiyeyaasha ka baryo. Waa dhif in xaaladahaas looga dabciyo. Ganaaxa iyo lawareegiddu, sida Bariga caadada ka ah, waa ciqaabaha boqorku ka helo. Wilensi ayaan kula kulmay oday Harari ah oo beerihiisii iyo hantidiisii dhammaan lala wareegay, maxaa yeelay; wiilkiisii ayaa garsoorka ka baxsaday, ka dib markii uu nin qudha ka gooyay. Amiirka waxaa la sheegaa in uu haysto kaydad badan oo qalin, bun iyo fool maroodi ah. Kaaliyahayga, Xammaali, ayaa mar qasriga gudihiisa la geeyay, halkaa oo uu ku soo arkay sanduuqyo waawayn oo nocii hore ah oo doollar in lagu guro loogu talo galay. Lacagta kaliya ee Harar waa maar xun, gacanta lagu tumay oo wax qurux ah aan lahayn, sidii lacagta casriga ah ee Talyaaniga. Dhinac waxaa kaga yaal erayada Zaribet al-Harar, lacagta Harar. Dhanka kale waxaa ku yaal taariikhda 1248 Hijrada Dabadeed. Amiirku si naxariisdarro ah ayuu u ciqaabaa dhammaan kuwa magaalada lacag kale soo geliya.

Amiir Axmad wuxuu ka warqabaa in dawladaha qaarkood ay amiirro ku tiirsanyihiin. Hub iyo tusbaxyo midna agtiisa loo ma oggola, gacanyaraha qasriga faraqiisuna waa u calyoqub. Mar walba oo wax la siinayo ama wax laga qaadanayo waa in gacantiisa la dhunkado. Xataa marka uu faras ku joogo, laba gacanyare ayaa farqaha maryahooda ku babbibaya. Kaliya marka uu buuqashooyinka Haaruuniga44 ah oo uu sidii aabbihi habeenkii ku maro jidadka iyo wadiiqooyinka mooyee mar walba waxaa ku xeeran waardiye adag. Masjidka waxa uu aadaa isaga oo darsin fardoolay ahi ay galbinayaan, labaatameeyo niman banaatiikh iyo jeedallo sita oo lug ahna ay hor socdaan. Dhinaciisa waxaa socda sarkaal u haraynaya dallad saatiin cas ah oo farqo badan leh, waa calaamadda maamuuska amiirnimo ee Hindiya ilaa Xabasha e. Xataa marka uu salaadda tukanayo, laba ama saddex la xulay oo buntukhyo ku hubaysan ayaa baaruud shidan la dul taaqan. Marka uu faraskiisa ku joogo dadwaynaha dhexdiisa, waxaa galbiya koox ilaa konton nin ah oo iyagoo cag ku jooga oo ordayainta ay shaabuugyada wirqiyaan ku dhawaaqa "ka leexo! Ka leexo! Dadwaynuhuna waxay dhangadahaa kaga fogaadaan iyaga oo guriga ugu dhow dib ugu gurta ama jid kale u carara. Ciidanka Harar tayo ma leh. Waxaa jira labaatan ilaa konton niman kabriidyaraal ku hubaysan ah oo Carab waa hore dalka degtay ka soo jeeda, uuna xukumo ruugcaddaa Magribi ah. Waxay sannadkii mushaaro u qaataan wax u dhigma hal doollar oo haruur ah, xig shan ilaa lix rooti ugu filan maalintii, rakaadaha nolosha haddaa waa in xeelad kale oo nabdoon lagu la soo baxaa. Isugeynta ragga hubaysan, marka addoomaha lagu daro, waa qiyaastii laba boqol oo nin.

Ciidanku waa mid ku hubaysan waran Soomaaliyeed ama Oromo, mid toorray sita, mid kale oo sita seef badanaa tii fardoolaydii Jarmalka ee hore ah. Kanooni riddo yar ayaa lagu malaynayaa in uu qasriga gudahiisa ku qarsoonyahay, se sida dhaci karta cid adeegsigiisa garanaysaa ma jirto. Magaalada waxaa laga heli karaa soddon faras oo darsan ka mid ahi ay hanti boqortooyo tahay. Waa geenyooyin il daran se si fiican buuraha iyo qararka loogu laylyay. Badawida Oromadu ciidan xooggan oo warmoolay ah ayay ugu babacdhigaan duullaanka. Magaaladan u soo dhowaadkeedu waa dhib badanyahay oo waa halis, se waxaa laga xukumaa waqooyiga iyo galbeedka, darbiyaduna waa isku dumi lahaayeen haddii uu six-pownder45 mar taaban lahaa uun. Saddex boqol oo Carab ah iyo laba qori oo 'la durduri'46 ah Harar saacad gudaheed ayay ku qabsan karaan.

Harar waa magaalo ganacsiga muhimmad ku leh. Dadkeedu waxay, sida kuwa Zaylac, ku noolyihhin khiyaamaynta badwida Oromada, Amiirkuna wuxuu reebay wax ku kala iibsiga miisaanka. Dameerkii raran ee magaalada irdaheeda soo dhaafaba wuxuu ka qaataa canshuur u dhiganta siddeed ilaa shaniyotoban baac oo maro Qaaj (Cutch) adag ah. Taasi waxay sabatay in dameerka rarka lagu cusleeyoo oo qaadkiisa looga badiyo ilaa ay gaadho in wadeyaashiishu ay la hinjiyaan. Beeralayda boqolkiiba toban ayaa la canshuuraa, qiimaha sahlan ee dhankan Afrika, se waxay ku bixiyaan waxa laga canshuurayo wax la mid ah, taa oo aad u kordhisa qiimaha qaybta dawladda u go'aysa. Ganacsiga ugu wayni wuxuu Harar keeni karaa ilaa £50 oo badeeco ah, kan £20 ka haystana nin maalqabeen ah ayaa loo haystaa. Dadku waxay u muuqdaan kuwo han yarida Aasiyaanka wax u weheliyaan, xataa marka macaash la doonayo. Markii aannu magaalada soo galnay, safar ayaa berri oo kale in uu Zaylac u baxo u qalqaalsanaa. Toban beri ka dib, xataa badhki ma diyaarsanayn. Waa dhif in habeendhax afarta minqaadd ee magaalada bariga ka aada lagu jaro, isku ceceliska masaafada safarkoodu jarana ma foga, xataa tan Soomaalida ruuxeeda marka loo eego.

Waxyaalaha ugu badan ee Harar laga dhoofiyo waa addoomo, fool maroodi, tubaako, sacfaraan, go'yaal iyo maryo soohan, dameero, haruur, "Karanji"- nooc muufo socotadu qaataan ah, subag, malab, xabko (khaas ahaan luubaan iyo beeyo), iyo ugu dambayntii subaga idaha iyo nooc walba oo xayr ah. Waxyaalaha la soo dajiyo waxaa ka mid ah maryo Maraykaani iyo dharka kale ee suufka cad ama aslan laga sameeyo, baftada adag, shaalalka cascas, xariir, maar, maarta fidsan, mindiyo (badanaa kuwa raqiiska ah ee Jarmalka), Birmingham trinkets, kuulo iyo shacaabi, timir, bariid, sonkor muraysi, baaruud, warqad iyo waxyaabaha kale ee magaalo duur ku taal looga baahdo.

Harar, sidii ay waayadii horeba ahaan jirtay, waa sayladda wayn ee addoomaha Zagaro, Guraage, iyo qabiilooyinka Gaalla, Aale iyo kuwo kale laga keeno47. Xabashida iyo Amxaarada oo ah kuwa ugu qiime badan, dhif ayay noqdeen ilaa intii Boqorka Showa uu dhoofintooda reebay48. Dumarka qiimahoodu waa kala duwanyahay oo waa 100 ilaa 400 oo Ashrafi, wiilashana 9 ilaa 150. Kuwa ugu liita ee aan lacag fiican goynanyn qabbaanimo ayaa loo haystaa, kuwa ugu wanaagsanna waa la kaxeeyaa oo loo dhoofiyaa Carabta Galbeed ama raaciyadda, Madaxiisu Kor ahaaye, Imaamka Masqad (Cummaan) ayaa bariid iyo timir laga siisan jiray. Dirqi ayay igu tahay haddii aan iraahdo marka addoonsigu dhammaado ganacsigu waa bullaalayaa. Wallee inta Felateas (?) ama Manrazzias (?) loo oggolyahay in ay sii jiraan, waa adgtahay in dhulkan waxsoosaar laga fisho. Harar, fool maroodigu Kufaarta dhexdooda waa ka takrifal boqortooyo, Amiirkuna ganacsi dhan u janjeera ee boqortooyooyinka Africa lagu yaqaan ayuu ku dhaqmaa. Maroodiyadu waxay ku badanyihiin Jarar, kaynta Herer, Xariirad iyo toggagga kale, meelahaa oo ay maciin bidaan xilliga kulaylaha, qaboobahana carriyada hoose ayay u soo degaan. Gaallada ayaa ugaarsada wixii ka soo baxana qayd yar ayaa laga siiyaa. Amiirku foolmaroodiga wuxuu u diraa Berbera, waxaana u iibiya Wakiil. Nooca ugu yaryar waxaa lagu magacaabaa "Rubac Caaj", kan ka roonna "Nus Caaj", halka "Caaj", oo kan ugu wanaagsan ahi, uu joogo saddexiyosoddon ilaa afartan doollar, Faraasiladda 27 rodol Carbeedka ah.

Bunka Harar aad ayaa suuqyada Yurub looga yaqaan oo qeexid u ma baahna. Beeraha magaalada oo dhan waa uu ka baxaa, aadna wuxuu ugu badanyahay xagga Gaallada Galbeed. Waxa uu si wacan uga baxaa Jarjar, degmo abbaaraha todoba maalmood looga socdo Harar, xagga waddada Cifaat aadda. Waxaa la yiri, Amiirku shaygaan qaaliga ah wuu xakameeyaa, isaga oo ka baqaya in uu suuqa Berbera ku fataho. Waxaa kale oo uu reebay in Xarashka ama dadka bunka beeri yaqaannaa ay dhoofaan, si uusan cilmiga geedka bunku u lumin. Markii aan Harar booqday, qiimaha xirmada 27 ka rodol ahi waxay joogtay rubuc doollar, kirada ratiga 12 xirmo Berbera gaynayana waxay ahayd shan doollar. Haddaba, faa'iidadu hawsha iyo khatarta laga mudanayo u ma qalanto.

Tubaakada Harar midabkeedu waa hurdi furan oo dhadhan wanaagsan leh, waxaana lagu dari karaa oo lagu sii wanaajin karaa nooca Suuriya ama kuwo meelo kale ka baxa. Aale-da, ama Gaallada Galbeed ee beeralayda ku horraysa ahi waxay la beeraan haruurka, shan bilood dabadoodna waa goostaan. Muddo laba toddobaad ah ayaa la kariyaa, qaybta geedka ah ayaa laga saaraa, caleentana jawaanno lagu cabbeeyaa, si Berbera loogu safriyo. Marka Harar la joogo, raggu waxay door bidaan calalinta iyo sidaa oo kale cabbidda. Dumarku guud ahaan waxay cunaan tubaakada Surat. Sida badeecooyinka la midka ah oo dhan ayaa beegis lagu iibsadaa, qiyaasta todobaatan rodolna doollar ayaa la siistaa. Wariska49 ama sacfaraanbeenaadka si fiican ayaa magaalada looga beeraa, in badanna carriga Oromada ayaa laga beeraa. Marka roobabka culusi joogsadaan, laba bilood dabadeed ayaa la soo ururiyaa. Shaygaan iyo addoomaha ayaa ah waxa ugu badan ee lagu kala ganacsado, inta u dhaxaysa Berbera iyo Masqad. Marka Caraabiya la joogo, raggu shaatiyada ayay ku asladaan, dumarka iyo carruurtuna waxay u adeegsadaan in ay jirka hurdi ifaya kaga dhigaan. Marka isku qurxinta laga reebo, waxaa kale oo uu noqdaa wax hargabka lagu daweeyo. Marka Warisku Harar raqiis ka yahay, hal rodol waxaa lagu iibsan karaa rubuc doollar.
Toobabka iyo shaashashka Harar waxay u dhigaan maryaha aadka loo yaqaan ee Showa. Gacanta ayaa lagu sameeyaa, waxayna aad qurux iyo adkaysiba uga sarreeyaan kuwa aan nahda lahayn ee warshadaha Yurub laga soo saaro. Maaxaa yeelay, gacanta wanaagsan ee dadka ayaa ka sidata makiinadaha tan ugu wacan. Xagga Xeebta, hal maryahaa ah ayaa hadiyad wanaagsan u noqota ugaas reerood. Toobka Harariga ah wuxuu u samaysanyahay koobiyotoban baac oo dherer ah iyo laba ballac ah, wuxuu leeyahay xor casaan ifaya ah. Qiimaha kan wanaagsan, xataa magaalada dhexdeeda, waa siddeed doollar. Waxaa laga sameeyaa suufka nud'dheeraha ah oo buurahan aad uga baxa. Waa jileec xariir ah, diirranaantiisana si wanaagsan ayaa dhaxanta dayrta looga xiran karaa. Duntiisa waxaa laba biin oo geed laga qoray ku maleega dumarka, ukurkana duubiddiisa rag iyo dumarba waa ka shaqeeyaan.

Saddex safar ayaa sannad walba Harar ka baxa oo suuqa Haygaysa aada.

Kan hore wuxuu baxaa horraanta bisha Jannaayo, wuxuuna qaadaa bun, dhar, Waris, subag, xabko iyo alaabooyin kale oo lagu soo beddesdho suuf, xariir, shaalal iyo tubaako Surat. Kan labaadi bisha Febraayo ayuu baxaa. Safarka wayn ee geeya addoomaha, dameeraha iyo alaabooyin kale oo qiimo leh, wuxuu Berberana soo galaa dhawr beri inta aanu xilliga ganacsigu dhammaan. Waxuu tiro la'egyahay 3000 oo ruux, waxaana hoggaamiya sarkaalka saree Amiirka ee darajada Ebi ama hoggaamiye sita. Mid ama dhammaan safarradaas waxaa jidka ku joojin kara qabiilka Jibriil Abokor. Afar ama shan boqol oo doollar ayaa carrigooda dhexdiisa lagu bixiyaa ama xataa waxaa laga yaabaa dagaal xagga badda ah oo carwada (Berbera) ka dhaca. "hadba kii Berbera xukuma ayaa hoggaanka Harar garkiisa gacanta ku haya", waa oraah aan xataa magaalada ka dhex maqlay.

Agabka guri ee Harar sidaa uma badna. Waa iska dhawr harag iyo marar dhif ah roog Beershi ah, kuraas, dermooying qallafsan, barkimo Soomaali, fandhaallo, iyo qaafiriyo inta godin lagu qoray oo middi lagu xanaf tiray dabadeed asal lagu caseeyay oo sulub dhalaalayana lagaga dhigay. Qulucdu waa shay meel walba carrigan lagu arko, gudaha ayaa laga deebiyaa, fur isla noocaeeda ahna waa loo sameeyaa. Waxay noqotaa koob, ubbo, beeb iyo weel biyood intaba. Nooc dheri culus oo dhoobo madow ama bunni ah ka samaysan ayaa la adeegsadaa. Dadka Harar deggan noloshoodu waa wanaagsantahay. Hilibka ugu wanaagsan, sida xagga Xabashaba, waa kan lo'da. Wuxuu se u ekaa, xilliga diraacda oo aan anigu cunay, sidii sararihii buurnaayee is haystay ee doofaarkii England-tii Hore, waayihii Hogarth. Boqol iyo labaatan digaag ah, ama lixdan digaag waawayn ah, waxaa lagu iibsan karaa hal doollar, dadkuna bakhti u ma haystaan, sida Soomaalida. Hilibka arigu waa wacanyahay, idaha Berbera ee madaxa madowna, halkan iyo meelo kale ba, marka roobku da'o dabadeed waa hilib macaanyihiin. Waxaa lagu noolyahay waa haruur. Miruhu iskood ayay isaga baxaan, cunto ahaan se loo ma qiimeeyo. Moos bukeenigu waa adayg aan fiicnayn, canabka si fiican u baxay waa dhif, in kasta oo brab-ku ravive mar walba ku baraaro. Geed timireedkuna carrigan wuxuu noqdaa harac aan miro laga dhalin, dadkuna ma yaqaannaan sida liinta loo khaleeyo. Wax khudaar ah oo aan bocor ka ahayn la ma yaqaan. Khasabka oo buurahan aad uga baxa ayaa sonkor yar laga saaraa. Malabka oo sida Xabashidu yiraahdaan "dhulkuu qurmiyaa" ayaa badanaa wax lagu macaystaa. Dhenegsiga Bariga Afrika waa basbaasgaduudka.

Aan u soo noqdo e, gacaliye Lumsdenoow, halkii uu noo marayay dalmarkii Harar. Durba, markii aannu nimi ka dib, ayaa waxaa noo yeeray Carabta oo iskujir la yaab leh ah ahaa. Midkood, Xaaji Mukhtaar, wuxuu ahaa Magribi Feez50 ka yimi. Qurbeajoog afartan sano ahi wax ayuu ka beddelay Carabigiisa xabeebta ah iyo "wajigiisa jilifta leh". Ninkani beer bun ah ayaa loo qoonddeyay, illeen waa kan u taliya ilaalada Amiirka e. Ha se ahaatee, wuxuu aannaga isu keen baray ganacsade, taas oo sababtay in aan jaajuusnimo ku tuhunno. Mid kale, Xaaji Xasan wuxuu ahaa Beershi dhalad ah, wuxuuna u muuqday mid cid walba yaqaanna oo heshiis fiican la ah dunida nuskeed, Qaahira ilaa Kalkatta, Muslim, Masiixi iyo Cawaan inta ba. Inta soo hadhay waxaa ka mid ahaa wiil Maka ka yimi, nin reer Masqat ah, mid u dhashay Suways, iyo madani reer Dimishiq ah. Kuwa kale waxay ahaayeen Carab Yaman ka timi. Dhammaantood markii hore si wanaagsan ayay noo la dhaqmeen, se markii Amiirka sheekadii aan lahayni joogsatay way naga dideen, si ulakac ahna noo gooyeen.

Carabta waxaa xigay Soomaalida oo Xammaali iyo Guulleed Dheere ay ka dhex heleen qaraabo, saaxiibbo iyo wajigaradyo markiiba u gartay shaqaalihii dawladda ee Cadan. Martidaasi cabsi iyo argagaxa ay xabsiga Harar ka qabaan ayay markii hore noogu yimaadeen. Waxay raggayagii la jeclaysteen in ay habeennimada noqdaan, marmarsiyo joogto ah oo ay waxtar ku doonayaanna waa noo la yiaadeen. Baqdintoodii, si ay ahaata ba, dhakhso ayay uga suushay oo muggaa waxay bilaabeen in ay maaweelooyin diyaariyaan. Annaguna,illeen lacag ma aannaan wadane, waxyaalo badan oo naftu u baahnayd ayay iskood noogu keeneen. Saddexdii Habar Awal ee aannu colka lahayn, markii ay arkeen in nasiibku xaggayaga u janjeero ayay tabahoodii beddeleen. Eeddii hore waxay dusha ka saareen labadoodii wehel ee Harariga ahaa, waxayna soo jeediyeen in ay iyagu Abbaan noo noqonayaan ku noqoshadaya Berbera. Si edboon ayaa yaboohaas la isaga caabbiyay. Waa tan hore e, abbaanno horay ayaa na loo ku yeelay. Tan labaadna, raggani waxay ka dhasheen Cayaal Shirdoon, jilib ay colaad xuni dhextaal Garxajis. Wax dhib ah, intii awooddooda ahayd noo la ma ayan harin, se bayaxownimadaydii ayaa ka qaalib noqotay.

Nasasho maalin ah ka dib, ayaa waxaa duhur hore noo yeeray Khasnajigii, si aannu Garaad Maxamad ugu martino. Anigoo seef gacanta ku sita, Guuleed Dheere iyo Xammaalina i daba socdaan ayaan "qasrigii" aaday. Qol yar oo dabaqa hoose xagga midig ku yaal una dhow qolka martida haddii aannu galnay, waxaannu ugu tagnay wasiirkii oo mfrish wayn oo roogag Beershi ah lagu gedaamay fadhiya. Waxaa ku hareeraysnaa lix garaadyadii walaalihi ahaa ama la taliyeyaashii ah oo laba ka mid ahi duubab xirantahay, inta kalana madaxyadu xiiranyihiin oo aanay duubnayn. Go'yaashooda, sida dhaqanka munaasabadahaan oo kale dhigayo, sinaha ayaa loo raariday. Qaybta hoose ee cariishka kuraas ayaa lagu safay, halkaa oo ay Soomaalidaydii salka dhigeen. Waxay u ekayd in ay xilligii xisaabtanka kastanka ahayd, maxaa yeelay magacyana waa la diiwaan gelinayay lacagna waa la dhiibayay. Madaxdu Qaat ayay cunayeen, ama sida halkan looga yaqaan "Jaad". Mid ka mid ah kooxda ayaa Ra'iisulwasaaraha geedka laamihiisa curdinka ah u diyaarinaya, isagoo caleemaha kuwooda ugu jilicsan xataa caaradaha ka guraya. Mid kale geedka ayuu inta biyo yar ku daro mooye qori ah ku tumayaa, caajiinkan waxaa la yiraahdaa "Al-Madkuuk". Qof walba xoogaa ayaa loo dhiibay, isna inta uu kubbad yar ka dhigo ayuu taqsiin afka ku ritaa. Dhammaantood biyo qabow ayay quluc la deebshay ka cabbayeen, waxayna u muuqdeen kuwa marqaanka taqsiinta macaan ee wanaagsan ku raaxaysanaya. Ka ma sheekayn karo dhadhanka wacan ee geedku carrigan leeyahay, marka loo dhigo kan adag ee Yaman laga beero. Yurubiyaanku marqaan yar ayay ka helaan oo saaxiibkay S.51 iyo aniga ayaa mar isku daynay oo khasab marqaan isaga doonnay. Ha se ahaatee, Carabta oo aan sarqaanlayda iyo maandooriyeyaasha u baran waxay sheegaan in ayna marqaanka la'aanti noolaan karin, sidii dadka oobiyamka (opium) adeegsada. Waxay u egtahay in uu ka soo saaro dabeecad sidii ay ku jiraan dheelaloow, taas oo marka waqtiga iyo fogaantu ka sii babdbadiso ay dhici karto in uu isu beddelo khayaaligii qurxoonaa ee Lotuska iyo Lotus cunayaasha (Lotophagi)52. Culimmadu, sida Caraabiya, ayay waxay u haystaan in uu yahay "Akl al-Saalixiin", ama Quudka Awliyada, kuwa wax bartayna waxay sheegaan in laga helo isaga oo maskaxda ka shaqaysiiya, fikradaha daaha ka caaqo, qalbiga ka farxiyo, hurdada yareeyo, booskii cuntadana uu galo. Dadka reer Harar maalin walba waa ay cunaan, laga bilaabo saddex saac oo subaxnimo ilaa ku dhowaadka duhurka, markaa oo ay qadeeyaan dabadeedna wax ka adag oo caraq iyo miid ah ku baashaalaan.

Garaadku markii uu si edboon ii waraystay ayuu dhankiisa midig mfrishka i fariisiyay, halkaa oo aan qaat ku cunay oo tusbaxaygiina faraha la raacraacay, intii uu shaqadiisa malmeed kala hagaajinayay. Dabadeed mid odayaasha ka mid ah ayaa inta hul yar oo darbiga ah kitaab wayn kala soo baxay oo furfuray duco dheer, ama Salliga Nabiga (nnk) akhriyay. Joogsi walba dabadi dadkii joogay oo dhan waxay ka daba oranayeen 'Allaahumma salli calaa Sayyidinaa Muxammadin, wa calaa Aalihi wa Saxbihi ajmaciin!' Hawshaan oo nus saac qaadatay ayaa ii ogolaatay in aan fursad is muujin aan aad u jeclaa ah ku sameeyo. Akhriyihii oo qalday sharrax dhinaca ku yiil ayaa yiri 'Malaa'ig, Insi, iyo Jin': Garaadkii ayaa kitaabkii qabsaday oo wuxuu ogaaday in ay ku qorantahay, 'Insi, Malaa'ig, iyo Jin'. Aragtiyaha ku aaddan sida ay makhluuqu isugu xigaan waa lagu kala duwanaaday. Markii aan sharraxay in uu ugu sarreeyo insiga oo Muslimimiintu rumaysanyihiin in uusan malaa'igaha wax yar ka hoosayn, maxaa yeelay waxaa laga abuuray nabiyo, asxaab iyo awliyo; halka kuwa kale ay yihiin "Wasiidho", ama xiriiriyeyaal u dhaxeeya abuuraha iyo abuurtiisa. Fiqhigaygii riyaaq siman iyo dhawr jalleecooyin rayn leh oo xagga odayaasha ah ayaan ku helay.

Markii salaaddii la tukaday ayaa gacanyarihii qasrigu Garaadka la faqay, isna inta istaagay oo tusbixiisii kuusha madow lahaa dhigtay, khadeeye soo qaatay, 'Badan' cad ama khamiis gacmagooska Carbeed shaatigiisii ka dul gashaday, mfrishkii ka hoobtay oo kabihii illaday ayuu libdhay. Muggan waxaa na loo ku yeeray in aan Amiirka la shirno. Dabadeed waxaa la ii oggolaaday in aan albaabka hore kabaha la soo galo. Markii aan, sidii hore oo kale, si maamuus leh u soo galay, ayaa Amiirkii ii ishaaray in aan ag fariisto Garaadka oo roog Beershi ah ku fadhiya kursiga amiirka midigtiisa. Labadaydii gacanyare waxay kadkdaloobsadeen dermaha iska caadiga ah ee dhulka hortayada ah yaal, xoogaana naga fog. Ka dib, markii uu xogo badan ka warsaday isbeddellada Cadan ka dhacay, ayuu Amiirkii si kedis ah warqad u soo bixiyay, oo inta si shaki leh u dhugtay iga dalbaday in aan sharraxo waxa ku qoran.

Dabadeed Garaadka ayaa i wayddiiyay in aan Harar ganacsi ka samaynayo iyo in kale. Jawaabtaydu waxay ahayd, 'annagu ganacsato ma nihin; waxaannu idiin ku soo marti galnay in aannu Amiirka soo booqano, Allaha xafidee! iyo in saaxiibtinimada labada quwadood u dhaxaysaa ay waarto'. Markii intaasi u ekaatay mid kaafiday ayaan raaciyay in ay malaha Amiirku ku rayn lahayd haddii uu dhakhsiyo noo fasaxo, maxaa yeelay hawada Harar aniga aad ayay iigu angagantahay, gacanyareyaashayduna ay khatar ugu jiraan in ay furuq markaa magaalada faro kululk ku hayay qaadaan, aniga oo si fiican u xasuusisan gacajiidka Afrika lagu yaqaan ee laba ama saddex billood ay qaadanayso in warqad laga jawaabo ama wax laga yiraahdo. Amiirkii oo hadalka aad ugu meeldayaya ayaa xaggii Wasiirka u janjeersaday, isna wuxuu aayar la soo booday; 'Jawaabta waa la bixin doonaa'. Jawaabtaa aan waafiga ahayn ayuu kulankeennii ku dhammaaday.

Imaanshahaygii wax yar dabadi ayaan mid culumada ka mid ah salaan u diray, waa Sheekh Jaamacii Bartire Soomaaliyeed e, isna wuu soo ajiibay oo isagoo xanuun ka cabanaya mar i soo booqday. Qof ahaan, wuxuu u muuqday nin madow oo ilaa afartan jira, aad furuq uu jirkiisa dhaawacay, xirribo soo kudsan leh, gar wayn, jirrkiisu simanyahay, gacmihiisa iyo cagihiisuna aad u yaryaryihiin. Wuxuu ka guursaday reer Shariif Yoonis, waxaana looga dambeeyaa in uu kasbaday xushmadda Caalim, nin nabadeed iyo Muslinnimo barax la'. Inkasta oo uusan Carabi xaaldheere qumman ku ahayn, wuxuu aad u bartay culuunta Diinta, oo waxaa la sheegay in xataa reer Maka ay xushmad ahaan gacanta ka dhunkadeen, markii u xajka tegay. Dabeecaddiisa kale guul fiican ka ma uu gaarin. Waxyaalaha ugu waawayn ee taasi dhaxalsiisay waxaa ka mid ah waran madaxa laga la haleelay iyo isaga oo guud ahaan lagu la taliyay in uu kitaabbadiisa iska akhriso oo raggaa faraha ka qaado. Haddana, mar walba "lillaahi" ayuu u shaqaynayaa. Hadal cadcaddidiisa iyo gabbasho la'aantiisa, dabeecadaha 'nabaddoonka' u gaarka ah, ayaa oggolaaday in Amiirku ka haybaysto; marar badanna hawlgallo ergo diblomaasiyadeed ah ayaa ugaasyo kala duwan loogu diray, hamuunta uu shaacbixid u qabana wali ka ma uu dhargin. Socdaalladiisa wuxuu ku bilaabay isaga oo doonayay in uu degdeg lib ugu gaaro oo uu soo dilo sarkaalka Ingiriiska Cadan u fadhiya. Markiise uu la yaabay kala dambaynta iyo garsoorka xukunkayaga ayuu ulajeeddadiisii beddelay oo sarkaalkii Islaamid u bandhigay. Si reer magaalnimo leh ayuu sarkaalkii u qaabbilay ilaa reer Barigii xumaa ee doonayay in uu Kaafirka rubadda gooyo ka noqday falkiisii uu na markan bilaabay in uu aad ugu duceeyo in uu Islaamo. Ilaa waagaa wuxuu xil iska saaray in uu isku dayo in uu gaal walba Islaamiyo; se ma maqal waligi in uu hal ruuxna ku guulaystay. Sheekha boqashadiisii hore si wanaagsan ku ma dhammaan. Wuxuu ii sheegay in Cismaaniyiintii hore ay Istanbuul qabsadeen xilligii Cumar. Si ka fiirsasho la'aan ahayd ayaan taariikhdaa ugu diiday, isna wuxuu meel kaga dhaca sharaftiisa loo gaystay kaga aarsaday dooddii wadaaddada lagu yiqiin oo ah in uu igu xanto murtadnimo iyo, kaaga sii darane, gaalnimo qayaxan. Intaa waxaa dheeraa, wuxuu ii soo dhiibay kitaab ducooyin ah oo aan inta muddo saacad ah si fiican ugu akhriyay u celiyay. Taasi Sheekhii ayay aad iigu sii dirtay, maxaa yeelay 'xaadinta' kitaabbada waa nooc caajiska ka mid ah oo aan wali jilib culusta Bariga xaggooda looga bogin.

Intii aannu Harar joognay, beryaheennu aad ayay caajis u haayeen. Subaxii dameeraha ayaannu daajin jirnay, mukulaalaha oo sidii kuwii cadan oo kale u dhib badanna waa yurayn jirnay, quraacna waxaan u cuni jiray muufo haruur iyo kalaankal hilib lo'aad oo biyo lagu karshay ah. Waxaa si fiican noo dhaqaaleeyay nin Suldaan la yiraahdo, Khaadim xanuunsan oo waayeel nugul ah, ka dib markii uu lix Amiir u soo shaqeeyayna qasriga in uu iska dhex joogo loo oggolaaday. Muuqaalka wax waalan ayuu uga ekaa, dhaladana waxaa u saarnaa koofiyad sunno bar cadyahay barna madowyahay, sida Maaskarada Hariyo Habeen, se dhaqankiisu waa miyir qabay. Waaberiga ayuu wuxuu noo keenaa moos bukeeni baryay, rooti qamadi ah iyo koobab qaxwe ama shaah aan nah lahayn ah. Haddana isaga oo ay la shaqaynayaan habar isaga ka sii urdufsan ayuu shiishaddiisii ii diraariyaa. Waa uunuluc laba moqor ka taaganyihiin weelkeeduna dhoobo la hogeeyay yahay. Haddana wuxuu la "naqsanadaa" gabdhaha ayooyinka ah oo shaqada la daahay, mar kale caro ayuu la qayliyaa, maxaa yeelay marti ayaa Qaat meesha ku cuntay iyaga oo aan isaga wax ka siin, ama kaadka qasriga ayay kabo la soo galeen. Dadka kale ee qasriga deggan waxaa ka mid ahaa gabdho Oromo addoomo ah oo dhib badan, gaar ahaa mid Berille la yiraahdo oo aan loo bogin, qayladaeeda dheer iyo dhaqan xumadeeduna waji xumo ku hayeen xujayda iyo Muslimiinta dhawrsan.

Markii ay laba saac oo subaxnimo ahayd, ayay Soomaalidii noo keeneen hadiaydo isugu jiray liin macaan, moos bukeeni, khasab, liin dhanaan, rooti qamadi iyo hilib digaag kalaankal ah. Isla markaana, marti Harariyiin iyo kuwo kale isugu jira oo Suldaan caafimaadkiisa warsanaysa ayaa gurigii afka soo buuxisay. Duhurka badanaa waxaa ka dambeeya xooga nasasho ah oo dadku inta qadeeyaan xooga qayluushadaan. Waxaa mar kale jikada Amiirka na loo ka keenay rooti iyo hilib lo'aad. Galabkii ayaa haddana gurigii la soo buuxiyay, ilaa martidii ay cashadii u kala dareereen. Intii aan gabbalku dhicin ayaannu ka taxaddari jirnay in aan ardaaga dameeruhu ku xiranyihiin soo fiirinno, maaddaama aysan si fiican u dheregsananyn oo si joogto ah isugu dayaan baxsi.

Harar waxay ku jirtay xilligii beeruhu soo go'ayeen oo hawshiisu aad nooga jajabisay booqashada. Subixii, Amiirka oo ay galbinayaan afartan ilaa konton waardiye ayaa buur xagga waqooyiga magaalada ka xigta u koorasyta, halkaa oo uu ku soo kormeero gurayaashiisa iyo finjileyaashii Oromada. Raaggaa, habeen walba meesha aannu degganahay ayaa hilib, biir iyo miid53 lagu sooraa. Khamrooyinkan calculus ayaa muranno badan dhaliyay, annaguna waxaan isku daynay in aan canaananno cawaanta oo dad wanaagsan ka soo saarno, waa se ku guuldarraysannay, aan taa qirtee. Casariyeheennii waxaan ku idlaysannay in aan isaga dambaynno canaanta Oromada. Waxa aan naga maqnayn'xifaalalow Saciid Waal oo, in kasta oo uu toddobaatan jiro, wali badawi waynoo caafimaad qaba, af xumo iyo cayna ku darsaday oo gabdhaha addoomaha ahna la murma. Berille carrabdheer ama Aamina Bilan ayaa ku cariiqsata in faynuusta xaydha ku shaqaysa ay damiso inta aan la seexan wax badan ka hor, ama qolka ayay soo galaan iyaga oo heesaya, qoslaya, ciyaaraya ama sacabba tumaya; markaa oo Suldaan uu kaga sii daro oo sidii dhurwaagii u qayliyo. Mararkan oo kale dibadda ayaan canaan caro leh u la cayrinnaa ardaasha caddaysatay. Hal mar ah ayay dibaddii wada aamustay. Ma se sii ahaan, xaggii gudaha balaa ka taagan! Saciid Waal ayaa si laga baqo u khuuriya, Abtidoonna habeenkii oo dhan wuxuu la sheekaystaa badawiyiin casho soo doontay. Sariiraheennii adkaa habeen ama coenoe deorum midna ku ma aannaan ladin. Caajiska isbeddel l'aanta maalmahaas waxaa noo weheliyay tasbiixsi tiro badan, ka faashiga faalallowyada iyo dhegaysiga warar iyo kutirikuteen ay sidii Soomaalidu noogu daldalaysay aan dhammaantayo yaa mar uun idinka joojiya is niri. Garaad Maxamad oo ay Habar Awashii diradireen ayaa xuraansigiisa aniga igu saabsan ku dheeraaday. Odayga khaa'inka ahi wuxuu maqlay in aan Yawmul Qiyaame uga nimi Garaad Aadan, qalbigiisiina wuxuu is tusay khayaaliga ah in Xaaji Sharma'arke oo Harar ilmaha lagu seexiyo uu na soo dirsaday. Waxaa malaha xaalkeennii meel la saaray markii uu yimi barbaar jilibka Cayaal Gadiid ah oo soo sheegay in saddex walaalo ahi ay dhulka Soomaaliyeed ka soo degeen, laba ka mid ahina ay Berbera ku dhererayaan in uu kii saddexaad Harar ka soo laabto, oo inkasta oo ay dhar Muslim xiranyihiin ay dhab ahaan rag Ingiriis ah oo dawladdu soo dirsataty yihiin. Riyooyinka lagu taamayo safarro la leexsado ayaa si fiican u soo xoogaystay. Habar Awashii sirtoodii bannaanka ayay soo dhigteen, Garaadkana waxay ka geyn wayday in uu siyaasad reer magaal dego, isla markaana uu martidiisa khatarta ah la xaalo.

Maalmo ka dib booqashidiisii hore, ayuu Sheekh Jaamac inta Xammaali u yeeray oo u sheegay safar uu rabo in uu Harar kaga baxo. Saaxiibkay ayaa u sheegay in laga yaabo in aannu ba sii galbinno. Sheekhii wacnaa wuxuu ku yaboohay in uu Garaad Maxamad fasax ambabax ka dalbayo; se markii uu wasiirkii guriga ka soo waayay ayuu nagu la ballamay in aan qasriga berri ku la kulanno, xilliga qayilaadda loo fadhiisanayo. Wax badan ayaannu ku hungownay rajooyin aannu ka qabnay 'caamo'e, tii ugu dambeysay ayaan iyana wax badan laga filan. Ha se yeeshee, 12 saac aroortii ayaa dhammaan na loo wada yeeray, oo inta qolkii qaabbilaadda ee Garaadka galnay, sidii ay ahaan jirtay, si wanaagsan na loo qaabbilay. Waxaa ii baxay waxa uu la xanuunsanyahay in ay oofwareen burunkiito ku raagtay tahay. Markaas ayaan anigoo go'aansaday in aan xusuustii ugu dambaysay ku reebo u sheegsheegay calaamadaha lagu garto oo ballanqaaday markii aan Cadan gaaro in aan u soo dhiibo dawooyinkayaga kala duwan ee aan adeegsanno. Wuxuu ku dhegay rajada ah in uu mar uun ka bogsado xanuunka, halka dadkii qasriga fadhiyay ay la dhacsanaayeen ayna iga baryeen in aan ku soo dhakhsado. Haddana Amiirkii ayaa Garaadka u yeeray, daqiiqado yar dabadoodna waa raacay, anigoo markan kaligay ah. Halkaa waxaa nagu dhex maray waraysi dheer oo Cadan, Zaylac, Berbera iyo Istambuul ku saabsan. Amiirku su'aalo badan ayuu Caraabiya iyo wax walba oo laga helo iga wayddiiyay. Jawaabtu waxay ahayd in dan ganacsi ay maanta dhagaxaa tiiraanyo nagu xukuntay. Oraahyo soo jiidasho leh ayuu u adeegsaday jeclaanta uu u qabo saaxiibtinnimadayada iyo xushmadda wayn ee uu u hayo dadka sida uu fahansanyahay maraakiibta waawayn dhisay. Fursaddii ayaan qaatay oo erayo aan ka fiirsaday Harar ku ammaanay aniguna, gaar ahaanna in aan ka xumahay bunkeeda oo aysan Faranjidu garanayn. Ninkii barta yaraa ee wajiga duubnaa wuxuu dhoollo caddeeyay imminka, sida Muslimiintu yiraahdaan, waa "dhoollacaddayntii Cumar"54.

Markii aan arkay sunniyihiisa oo markii ugu horraysay dabcay, ayaan u sheegay in illow aan hadda caafimaaday uu na fasaxo, si aan Cadan u aadno. Hawraar san ayuu madaxa u ruxay, Garaadkiina warqad ayuu qoray ku socota Xafiiska Siyaasadda oo ammaan badani la socoto, igana codsaday in aan geenyo hadiyad ah ka geeyo. Dabadeed, inta istaagay ayaan maray duco yar oo nuxurkeedu ahaa in Amiirka cimrigiisa iyo xukunsiisu ba ay carriga ku raagaan, cadawgiisana wajiyadoodu aakhiro iyo adduunba gubtaan. Dabadeed, inta gacanta ka dhunkaday ayaan iska tegay. Markii aan qolkii qaabbilaadda ee Garaadka ku noqday, saansaanta labadaydii gacanyare waxaan ka gartay in ay aad uga walwalsanaayeen kulanka. Aniguna waxaan si hoose ugu laabqaboojiyay erayga 'Achha55'- "waa hagaag!"'

Markanna waxaa yimi Garaadkii oo ay weheliyaan laba nin oo hubkii shaqaalahayga iyo bastooladdii aan Amiirka u sii dhiibay sida. Tani waxay ahayd fajaciso. Waa ay iska caddayd in aysan suuragal ahayn in hadiyad lala noqdo, taa oo ay weheliso shaki aan ka qabay xuuraansi uu ku baarayo halka uu iga joogo; sida kale haddii la yeelo, waa baaqasho la hubo. Garaadka waxaan u sheegay in hubkaa gaar ahaan loogu talo galay in uu Amiirka cimrigiisa dheereeyo, oo si aan uga sii dhaadhiciyo si isdabajoog ah keebka u tuujiyay, taasoo argagax daran ku ridday madaxdii meesha fadhiday. Wasiirkii sarreeyihiisii ayuu ku noqday oo dedeg uga keenay warka ah in maalin ama laba dabadood baqal kale la i siin doono. Inta u mahadceliyay ayaannu kacnay, Garaadka u ducaynnay, shirkii macasalaamaynnay, oo annaga oo faraxsan tagnay. Farxad darteed ayuu Xammaali af Ingiriisi jajab ah daaraddii Amiirka kaga torogtorogsiiyay.

Gurigii marka aannu ku soo noqonnay, waxaan ugu nimi mudanihii Sheekh Jaamac ahaa oo aannu warkii gaarsiinnay, mahad badan oo caawimaaddiisii saaxiibtinnimadu ku dheehnayd aan ka celinnayna u raacinnay. Waxaan si fiican isugu dayay in aan ka qaboojiyo caradii taariikhda Turkiga ku saabsanayd, waana ku guulaystay. Inta furfurmay ayuu wuxuu ii sheegay in ulajeeddadii saxda ahayd ee booqashadiisu ay ahayd codsi ka yimi dawladda, maaddaama lala socodsiiyay in aan ahay nin shimibiraha cirka ka soo rida, dadkuna ay dareen wayn ka qaadeen ulajeeddadiisa uu magaalada u yimi. Goor uu nala fadhiyo ayaa Kabiir Khaliil, mid ka mid ah culimmada waawayn, iyo Xaaji Cabdullaahi, sheekh caan ah oo riyooyin wanwanaagsan noogu riyooday, ay salaan direen. Markani waxay ka mid tahay marar badan oo intii aan Bariga joogay sababtay in culimmada oo saamaynta ay dadka ku leeyihiin, marka aan cunsurunimo eexin, uu wanaagsanyahay oo aan mahadiyo. Habeenkii, Soomaalida oo nabadgelyada weheliyeyaashayda ka walwalsanaa farxad wayn ayaa ka muuqatay. Waxay martida u keeneen hadiyado ka kooban go'yaal Harari, hilib digaag, liin iyo muufo qamadi ah.

Janawari 11, Garaadka ayaa ii yeeray oo baqalkii labaad ii siisay. Duhurkii waxaa na soo booqday Sheekh Jaamac oo falanqayn dheeyr oo Suufiyada56 ku saabsan dabadeed igu casumay in aan kutubtiisa arko. Markii salaadda duhur la tukaday ayaan gurigiisii oo bartamaha magaalada ku yiil u lugaynnay. Guriga daaraddiisa waxaa ku yaal 'Gay Humburti', dhagaxii taariikhiga ahaa ee la sheego in Wali Nuur uu ku la kulmay Nabi Khadar (nk). Dabadeed, markii uu sheekhu na fariisiyay qol cabbirkiisu 10 cagood oo laba jibbaaran yahay oo culimmo iyo kitaabbo waawayn oo boor lehi ka buuxaan, ayuu bilaabay in uu kor u akhriyo tacliiq dheer oo ku saabsan abtirsiinyaha Grand Masters. Wuxuu kale oo iga tusay nus darsan ah sadarro ku saabsan caqiidooyinka madaahibta kala duwan. MS57ka kaliya ee meesha yiil wuxuu ahaa nuqul wacan se duqoobay oo Qur'aan ah, Qaamuuska iyo Saxaaxuna waa yiilleen58, se wax qurux iyo wanaag la sheego ah ma lahayn. Kutubta Harar badanaa waa kuwo duqoobay, maaddaama madbacaduu ay aad dhif u yihiin, qaradooda waawaynn ee afargeeska ahina waxay aad ugu dhowdahahy Kuufik59 shaqallo leh oo aan Nuskhiga qurxoon ee casriga ah ahayn. Ha se yeeshee, jaldiyada aad ayaan u jeclaystay. Dal Bariga ku yaal, marka laga reebo Beershiya, oo adayga iyo muuqaalka kaga fiicani ma jiro.

Sheeko qubane ah dabadeed, ayuu Sheekhii qol gudaha ah noo kaxeeyay, ama aan iraahdee qoqob mugdi ag oo maktabadda laga gooyay. Markaa ayuu noo qaybshay cunnadii caadiga ahayd ee hilib lo'aad oo karis ah, muufo haruur iyo basbaasguduudka ka koobnayd. Markii aannu maktabaddii ku soo noqonnay ayaannu ka dib xoogaa sii fadhinnay, dabadeedna waa soo baxnay oo u sheegnay in aannu ku qasbannahay in aan Garaad Maxamad booqanno, illeen reer Barigu waa dhif in ay qadada ka dib wax badan sii fadhiyaan e. Wax la sheegaa ma dhicin intii aannu ku jirnay booqashadii ugu dambaysay ee aannu wasiirka ugu tagnay. Wuxuu iga baryay in aanan hilmaamin dawooyinkiisii, marka aan Cadan tago. Waxaan u sheegay in aannu dibudhac la'aan berri dhaqaajinayno, salaadda Jimcaha ka dib. Wuxuu aayar la soo booday, ' waa hagaag, haddii Rabbi idmo!' Intii aannaan gurigiiba soo gaarin ayaa daruuro ilaa duhurkii soo yeeyelanayay ay roob culus iyo onkod buuraha kaga gariiriyay ka wareegeen. Habeenkaa waxaan isku dhaafinnay iyada oo ay na hareeraysay Soomaalidii oo warqado iyo farriimo badan Berbera noogu dhiibayay. Taladayadu waxay ahayd in aannu Jimcaha subax hore ka fuullo. Se, markii aannu soo toosnay baqal ayaa naga maqnaaday, la ma na soo helin ilaa saacado ka dib. Duhurka ka hor ayuu Sheekh Jaamac noo yeeray oo sheegay in aan ambabaxno maalinta ugu habboon oo Isniinta ah. Inta uu war nagu dirqiyay ayuu sidaa safarkii maalinta Jimcaadna kaga dayrshay. Dabadeed, inta istaagay ayuu bixid u holladay, xoogaa duco ah nagu tufay, noogu na duceeyay in aan balaayo na arag. Mar kale ayuu Isniin ku taliyay, ballanna qaaday in uu Wilensi nagu la kulmayo, wax walba oo dhaca.

Waxaan ka baqayaa in Shiikha taladiisa markan ay u badantay in aan dheg jalaq loo siin. Alaabadayadii iyo shaqaalahayagii ayaannu laba toddobaad oo dhan ka maqnayn. Dadka reer Harar waxay caan ku yihiin isrogrogga, ma na garanaynno waxa berri maskaxda Amiirka ka iman kara. Dhab ahaantii, magaalooyinkan Africa oo dhammi waa uun xabsiyo waawayn oo aad kaskaaga ku soo gasho, sida maahmaandu tiraahdana aad kaga baxdo kaska qof kale. Si ay ahaataba, markii salaaddii masjidka laga baxay ayaa mahiigaan roob iyo dabaylo cir iyo dhul ahi sabir na badeen. Gammaankeennii ayaan seetaysannay oo, annagoo aan doonayn, amabaxeennii subixii xigay u dib dhigannay.

La soco cutubka xiga.

Mahadsanidin.

  1. Magaalo qarnigii 18aad Isbayn qalcad caan ah (Fortaleza de San Carlos) ka dhisatay. Waa degmo waagan ka tirsan gobolka Veracruz ee dalka Mexico. - [T]
  2. St James's Palace (Wesminster, London): waa qasrigii ugu mudnaa fadhiga Boqortooyada Ingiriiska. - [T]
  3. Hugh Clapperton, waa dalmarkii qoray From Kano to Sokoto oo ka mid ah buugga Narrative Travels and Discoveries in Nothern and Central Africa 1822-4. Kano iyo Sokoto labadu ba waxay ahaayeen boqortooyin Waqooyiga Africa ka taliya, Nayjeeriyada maanta iyo agagaarkeeda. - [GW] [T]
  4. Mar dambe ayaan ogaaday in marka nin dawladda looga yeero oo uu iska dhegatiro albaaabka gurigiisa la soo fujiyo oo daaradda dawladda la geeyo maalinta hore, maalinta labaadna dawladdu la wareego.- [B]
  5. Kabriidle waa buntukh shucayska ka dambeeyay oo marka la ridayo dubaalad dun maleegan ah kabriid loogu qabto. - [T]
  6. His Highness ayay u taagantahay, waxay u dhigantaa 'sarreeye' waxaana lagu yiraahdaa boqorrada iwm.
  7. Waxa ay aad ugu badantahay in uu isaguna dhunkaday oo waliba ku celceliyay. Sababta oo ah diidmada dhunkashada gacanta amiirku waxay ahaan lahayd dagaal bilowgii, haddii judha horeba la is qabtana u ma eka in uu geedo dambe calalin lahaa. Midda kale, Soomaaliduna ma yeesheen haddii isaga oo ay ka amarqaadanayeenba marka hore diiday. Waxaa sii dheer oo u marag ah markii hore ee uu diiday in uu kabaha bixiyo looga ma harin ee sandulle ayaa loogu dirqiyay. Waxaa afkiisa soo mari la'i waa in isaga oo nin Biritish dunidoo dhan calanku u taaganyahay ah uu qoro in uu Amiir Afrikaan ah inta kabaha la baxay oo uu waliba foorarsaday uu haddana gacanta ka dhunkaday. [T]
  8. James Bruce, dalmarkii Xabasha tegay waayo sii horreeyay. Meel kale ayaynnu ku aragnay xogtiisa. [T]
  9. Todoba sano ka hor ayaa Xaaji Sharma'arkaha Saylac safiirkiisii Harar u doortay Xaaji Janitay, mid ka mid ah askarta Amiirka. Markii ninkani dhintay ayuu Sharma'arke wiilashiisii wayddiiyay waxa ku dhacay. Berbera ayay ku ballanqaadeen in ay u soo sheegi doonaan, laakiin markii ay Harar ku soo noqdeen ayuu, sida la rumaysanyahay, Garaad Maxamad ku qalqaaliyay in ay ballantii ka baxaan. Sidaa markii ay dhacday ayaa mid ka mid ah Sharma'arke saaxibbadi iyo qaraabadiisii oo uu diradiray Soomaali Xusseen la yiraahdo oo sannado badan Harar ku noolaa ay warqad cay ah u soo direen Garaadka. Warqaddu waxay ku bilaabanaysay " Nabadgelyo iyo naxariista Eebbe korkaaga ma ahaato, kawaanleyahow kawaanluhu dhalay! Iwm!", gebagebaduna waxay ahayd in ay suuqa dhexdiisa garbaduu ugu xiri doonaan si rag loogu digo. Xusseen warqaddii ayuu qaaday. Markii hore argagax ayay dhalisay, markiise weerar daba jooga la waayay ayuu Amiir Abii Bakar xabsiga dhigay Soomaaligii caaqa ahaa ilaa uu ka geeriyooday. Sharma'arke si aarsi ah ayuu ku qalqaaliyay Alu [Haile Melakot? (noolaa 1824 - 9 November 1855, xukunka hayay 1847-1855), wiilkii Boqor Sahlah Salaseh [Sahle Selassie ( noolaa 1795 - 1847, xukunka hayay 1813-1847)], Boqorkii Showa in uu xirxiro dadka reer Harar ee dhulka uu ka taliyo ku nool oo uu ilaa laba sano xabsiga ku hayo. Amiir Abii Bakar waxaa la sheegay in markii uu sii dhimanayay uu wiilka uga digay Garaadka. Markii Axmad Saylac u soo weriyay geerida aabbihi, Xaaji Sharma'arke Mawliid [tacsi?] wayn ayuu amray si marxuumka loo xuso. Ilaa waagaa, si ay ahaataba, xiriirku waa yaraa, saaxiibtinimona dhexdooda ma ool. [B].
  10. Waa dhunkaday! La soco, Wasiirku waa Soomaali! [T].
  11. Bastoolad khasnaddeedu wareegto oo lix xabbadood qaadda. - [T]
  12. Dhig iyo Lool asal ahaan waxay ka mid yihiin qalabka dhismaha Aqal Soomaaliga. Raarka ayay ka hooseeyaan oo qalfoof celiya u yihiin. Marka juquraafiga loo adeegsado, waa xarriiqaha kubadda caalamka korkeeda ku saaban ee is jarjara. - [T]
  13. Taqiddiin Abulcabbaas Almaqrizi (1364-1442), waxa uu ahaa taariikhyahan iyo dalmare Carbeed. - [T]
  14. Lixda kale waxay ahaayeen Cifaat, Carabiini, Dawaaro, Sharkha, Baali iyo Darah. - [B]
  15. Amde Seyon (Tiirkii Sahyuun) wuxuu Itoobiya Imbaraadoor ka ahaa muddadii u dhaxaysay 1314-1344, magaciisa darajada boqornimo waxaa la oran jiray Gebre Meskel (Addoonkii Saliibka). - [T]
  16. Zera Yacob / Zar'a Yai'qoob / Duudkii Yacquub (1399-1468), waxa uu ahaa Imbaraaddoor Itoobiya ka talinayay intii u dhexaysay 1434-1468. Magaciisa boqortooyo waxaa la oran jiray Kwestantinos I / Constantine I . Badlay ina Sacaadaddiin II (Shihaabuddiin Axmad Badlay), suldaankii Awdal, ayuu sannadkii 1445 kaga adkaaday kuna dilay goobta caanka ahayd ee Gomit. - [T]
  17. Ba'ida Maryam I / "kii ku jiray Gacanta Maryama" (1448-1478), waa wiilkii Zar'a Ya'iqoob oo isaguna Imbaraaddoor Itoobiya ka taliya ahaa intii u dhexaysay 1468 ilaa 1478. - [T]
  18. Lent (Leent) waxaa la yiraahdaa muddo 40 maalmood ah oo ay Masiixiyiintu soomaan. Waa inta u dhexaysa labada munaasabood ee la kala yiraahdo Ash Wednesday iyo Easter. Masiixiyiinta Galbeed iyo kuwa Bari (Orthodox) ee Xabashida iyo Qibdiga reer Masar ay ka mid yihiin waa ku kala duwanyiin. Kuwan dambe kooda Great Lent ayaa la yiraahdaa, xilligu waa ka duwanyahay, qaabka soonkuna waa si gaar ah oo ka qallafsan kan hore. - [T]
  19. Imbaraaddoor Naa'uud. (Na'od) Xukunka hayay 1494 - 1508. [T]
  20. Dawit II (wiilkii Naa'uud), loo yiqiin Lebna Dengel ama Wanag Seged, noolaa 1501 - 1540, xukunka hayay 1508-1540. [T]
  21. Sultaan Saliim I, suldaankii Boqortooyadii Cismaaniyiinta Turkiya, loo yiqiin "Yavuz" (mayal adke), noolaa 1466 -1520, xukunka hayay 1512-1520. [T]
  22. Crusaders (Kuruuseedhars) waxaa asal ahaan la oran jiray Saliibiyiintii macangagga ahaa ee Yurubta galbeed ka soo duulay si ay Baytal Maqdis Muslimminta uga qabsadaan (1095 ilaa 1291 C.D.). Muddo dheer ayay haysteen dhulalkii ay qabsadeen ilaa waa dambe uu ka jafay Salaaxaddiin Al-Ayuubi. - [T]
  23. Afonso (Aphonso/Alfonso) de Albuquerque, Duke of Goa (1453 - 1515): waxa uu ahaa janan dagaalyahan taariikh dheer leh ah oo dhulal badan oo Goa (Hindiya, qaybtii Bortaqiisku gumeystay) ay ka mid ahayd u furtay dhulballaarsigii gumeysiga Isbayn. - [T]
  24. Eleni / Helena : waxay ahayd ooridii Zara Yakoub, Imbaraaddoorkii Xabasha xukumayay 1434-1468. Waxay ka dhalatay boqortooyadii Hadiya (Muslim), markii ay Zara Yakoub guursatay ayay diinta beddelatay oo Masiixiyada qaadatay. Dabadeed, waxay noqotay qof siyaasadda boqortooyada Xabasha lug xoog leh ku yeelatay oo ilaa afar boqor isbeddelkood si fiican uga dhex muuqataty. – [T]
  25. Gobol Hindiya ka tirsan oo Boortaqiisku muddo gumaysan jiray. - [T]
  26. Manuel I (1469-1521): wuxuu ahaa boqorkii Bortaqiiska xukumayay, intii u dhexaysay 1495-1521. - [T]
  27. Atilla the Hun (Atilla reer Haan) wuxuu ahaa hogaamiyihii qabiilooyinkii Hun ee Yurub 434-453 C.D. Wuxuu ku caanbaxay geesinnimo aan gabbasho lahayn oo dawladdii Roomaanka Galbeed iyo Bari ka harsan wayday. Goobtii Catalaunian Plains ayaa 451 lagu jabiyay isaga iyo ciidammadiisii oo markaa rabay inay Faransa iyo Roomaankii Galbeed gacanta ku dhigaan. - [T]
  28. Ciidan gaar ah oo si heer sare ah u tababaran dhiirranaan iyo geesinnimana ku caan baxay goobaha dagaal. Suldaan Muraad I ayaa sannadkii 1383. Ragga ciidankaasi ka koobnaa badankoodu waxay asalka ahaayeen adoommo wiilal Yurub laga soo qafaalay ahaa. Ciidankaa waxaa sannadkii 1825 kala diray Suldaan Maxamuud II, ka dib markii gadood joogto ah iyo anshax xumo maaro looga waayay. - [T]
  29. Cinwaankaan dib ayaa loo soo nooleeyay xilli dambe, waxaana ugu dambeeyay boqor sheegta Haile Selassie oo xukunka afgembi looga tuuray sannadkii 1974. Cinwaankan waxaa qaadan karay boqorka awood ama xeelad ku muquuniya wixii boqor ama jago u dhiganta sheegta Xabasha oo dhan. Boqortooyadii Xabashida oo taariikhdeedu aad u fac wayntahay, waxay kale oo lahayd taariikh dheer oo ku saabsan boqorrada iyo loollankoodii oo badanaa aad u fool xumaa dagaallo iyo dhagaro la isku hoobtana lagu kala hari jiray. - [T]
  30. Gelawdewos, loo yiqiin Asnaf Sagad I (1522-1559), xukunka hayay 1540 - 1559, Dawit II walaalki. [T]
  31. John III (xukun 1502-1557) oo ku magac dheeraa 'the Pious' wuxuu ahaa boqorkii 15aad ee dalka Bortuqaal. Fidinta mad'habtiisa Kootaliga ka sokow, dano badan oo fidinta iyo gacankuhaynta ganacsiga ay Bortuqaal la lahayd dunida kale ayuu ka lahaa meelo ay ka mid ahaayeen Afrika iyo Aasiya. - [T]
  32. Gelawdewos hooyadi. [T]
  33. Magaca "Moor" waxaa reer Galbeedku u adeegsadaan dadka Berber-Carab-Afrikaanka ah ee Waqooyiga Afrika dega. Waxay caan baxeen markii ay qabsadeen Jasiiralamoodda Ibeeriya oo ay Andalus ula baxeen (Isbayn iyo Boortuqaal), halkaa oo ay muddo 7 qarni ka badan ka talin jireen. - [T]
  34. Baadari Lopo waxaa laga soo diray Hindiya 1622, si uu u soo helo meeshii laguaaasay Don Christopher oo wixii ka haray lafihiisii u soo ururiyo. Isaga oo uu taageerayo Imbaraaddoorki Xabashidu wiil uu soddog u ahaa ayuu Lobo ciidan la dhex maray dhulka Oromada, soo helay shahiidka ilkihiisii iyo daankiisii hoose, gacmihiisii iyo sawir Maryama ah oo uusan dhigi jirin, Goa ayaa intaba loo soo gudbiyay […]. [B]. – Sharraxaaddani meeshan meel ka hooraysa ayay asalka ku tiil. - [T]
  35. Dhacdadaan sidii ay ahayd la ma hubo, ilaa waagan. - [T]
  36. Suubbanihii Khadar ahaa. - [T]
  37. Constantin-François Chasseboeuf, Comte de Volney (1757-1820), wuxuu ahaa faylasoof Faransiis ah. -[T]
  38. Buurta Pisgah (Pizge) waxaa la sheegaa, si ay tahayba, in ay ahayd tii Nabi Muuse (nk) iyo dadkiisii markii ay Masar ka soo qaxeen uu inta u baxay ka arkay dhulkii ay u socdeen ee Kancaan. Dhulkan waxaa kale oo lagu magaacaabaa Dhulkii la Ballanqaaday (the Promised Land). - [T]
  39. Harar waxaa waa dambe qabsaday oo xukunkooda toos u hoos geeyay boqortooyadii Xabasha. - [T].
  40. Tani waxay u dhigantaa iyada oo la yiraahdo afka degmooyinka Basque [Fransa iyo Isbayn u dhaxeeya, afkooduna isla magacaa leeyahay] waa Faransiis Ingiriisiga xiriir la leh. - [B]
  41. Diane Artemis ( ?). Mid ka mid ahayd qareennadii ay Giriigii hore barakaysan jireen oo lahayd qaab haweenay aad u qurxoon. – [T]
  42. Khamri guri malab iyo biyo la isku qooshay laga sameeyo. - [T]
  43. Niilka Masar. Halkan waxaa ka cad in safarkii dambe ee Burton uu ku goobayay isha Wabiga Niil uu warkiisa Soomaalida iyo dadkii kale ee uu Geeska Afrika ku arkay ka helay. - [T]
  44. Kormeer guure ah. - [T] – Sheeko hore ayaa waxaa laga sheegaa Amiirkii Abiibakar ahaa in mid ka mid ah kormeerradiisii guuraha ahaa uu ku maqlay saddex nin oo raaciyaddiisa ka mid ahaa oo khiyaamo qaran ku faqaya, iyaga oo xaaskiisa,cunnadiisa iyo kursigiisa kuunyaya. Subaxii dambe ayuu u yeeray oo mid cunno heer sare ah ka dharjiyay, dabadeedna in uu cuunnadii dhammayn waayay darteed u karbaashay. Kii labaad isagana si xun ayuu u karbaashay, sabata oo ah ; wuxuu kala aqoonsan waayay farqiqa u dhaxeeya xaaskiisa iyo amiiradda. Kii saddexaadna isaga qudha ayuu ka jaray. - [B]
  45. Nooc kanooni culus ah. - [T]
  46. Kanooni fudud oo waayadii hore fardaha lagu jiidan jiray (the galloper gun). - [T]
  47. Gaallada Caruusiga ah badanaa si toos ah ayaa Ogaadeen looga keenaa oo Berbera loo geeyaa. - [B]
  48. Maahmaahda reer Bari waxay tiraahdaa, "haddii aad garab doonayso Nuubi iibso, haddii aad maal rabto Xabashi, haddii aad dameer rabtana Sawaaxili (neegar)". Waagii hore xirmo yar oo milix ah ayaa wiil looga iibsan jiray Koofurta Xabasha, ha se ahaatee, intooda badani inta xeebta loo soo wado ayay dhexda ku le'an jireen. - [B]
  49. Warisku waa geed dhowr nafac leh oo gabbaldayaha u eg ka se qaab duwan. Mirihiisa saliid ayaa laga tuujiya, sida gabbaldayaha iyo sisinta oo kale. Ubaxiisa waxaa loo adeegsadaa midabaynta cunnada iyo waxyaalo kale, sida sacfaraanka. Ha se ahaatee, waa ka duwanyahay sacfaraanka qumman. - [T]
  50. Magaalo taariikh dheer oo dalka Tuuniisiya ku taal. - [T]
  51. Stroyan ( ?) - [T]
  52. Lotus cuneyaal waa dad sheekooyinkii khayaaliga ahaa ee Giriiggii hore lagu sheegay. Waxaa la rumaysnaa in ay ku noolaayeen jasiirad Waqooyiga Africa ku taal. Geed Lotos la yiraahdo oo iyaga oo dhan in ay har iyo habeen riyo ku jiraan ka dhigay ayay aad u cuni jireen oo ku marqaami jireen. - [T]
  53. Waa Tej-ka Xabashida. Harar waxaa laga sameeyaa malab xoogaa biyo kulul ah lagu barxay. - [B]
  54. Waxaa la sheegaa in Khaliif Cumar [Arn] uu mar qura qoslay mar qurana ooyay waligii. Marka uu qoslay waxay ahayd mar uu soo xasuustay waa uu cunay ilaahiisii oo timir ka samaysnaa, xilligii jaahiliyada. Marka uu ooyayna waxay ahayd mar uu soo xasuustay isaga oo nolol-aasaya, sida Carabtii Cawaanta ahayd caadada u ahayd, ilme gabar uu dhalay ahayd, iyaduna isla markaa ay garka ciidda uga jafayso. - [B]
  55. Erayga asalkiisu waa Hindi. - [T]
  56. Hooyada reer Bari ee Free-Masonry. - [B] – Freemasonry waxaa la yiraahdaa urur dunida meelo badan siyaabo kala duwan uga jira oo ay isku bahaysteen xirfadlayaasha aqoonta dhismaha dhagaxa iyo wixii la halmaala ku shaqaysta. Waxaa lagu sheegaa urur asraar badan iyo curraafaysi mug leh ku dhaqma. - [T]
  57. Memoriae sacrum (xus ama qoraal barakaysan). - [T]
  58. Laba qaamuusyo Carabi ah oo la jecelyahay (Qaamuus iyo Saxaax). – G. W.
  59. Far Carabi ah oo waayo sii horreeyay kutubka Qur'aanka lagu qori jiray. - [T]

Cutubkii 9aad: Harar ilaa Berbera

Subaxii Sabtida, Janawari 13, ayaa intii aysan qorraxdu soo baxin wax badan ka hor gammaankii la kooreeyay, la xakameeyay, oo alaabteennii yarayd lagu raray. Quraac degdeg ah ka dib, ayaannu odaygii Suldaanka dhufaanka ahaa gacanqaadnay, oo inta gaadiidkayagii fuulnay waddooyinkii cidlada ahaa ciribta ku sii dhufannay. Isla markiiba, tabardarridii iyo xanuunkii ba waa i daayeen, illeen farxadi waa daawo culus e! Wardiyeyaashii oo gudaha kadaloob dab ku kulaalaya ayaannu salaan cod dheer ku sagootinnay. Markii aannu irdaha ka sii baxaynnay ayaa culays werwer iyo dareen lehi sidii dirac bir ah oo aan gashanaa iiga dhacay.

Haddana, sidaa oo ay tahay, gacaliye L(umsdenow), waxaan helay waqti aan baqalkayga dushiisa kaga fikiro sida guuli aanay naallo u lahayn. Halka guuldarradu ay ninka ragga ah dareenkiisa kiciso, guushu waxay u akhrisaa uun casharkii oraah murtiyeeddu lahayd guulaheenna oo dhammi waa sida 'harka iyo waxaan sii jirayn'. Kii yiri 'guuldarradu waa milixa nolosha' isaguna run ayuu sheegay. Waa dhanaan nafta u roon, maskaxda u laylya isku day cusub, guushana qiimaheeda labajibbaar gaarsiiya. Sidaa ayuu hooskaa aan naallada lahayni dhakhso noo dhaafay.

Subaxu waa uu qurxoonaa. Waa cir aan daruur lahyn, qoraxi aanay qayirin, xayaabo lafcir ahi fiiqaqa buuraha meesha fog ka muuqda taash saartay, giraano qiiq ahi ay hareereeyeen xaafadaha wali hurda, hawaduna ay ka wacnayd tii cuslayd ee magaalada. Dhedadu iyada oo sidii kuulo dheemman waawayn ah ayay geedaha bunka ka lulatay, digiirantuna dhirta jidka dhinacyadiisa ah ayay si aan aabayeel lahayn uga ciyaysay. Aan soo koobee, waligay, hadda ka hor, wajiga quruxda dabiiciga ahi iigu ma muuqan dhab ahaantaas wanaagsan.

Horay ayaannu u sii degdegnay, annaga oo aan rabin in aan waqti luminno oo kabaqayna ciridda Togga Erer. Toggii ayaannu jarnay, iyada oo buntukhyadu cabbaysanyihiin, dareen laga qabo warmoolay Oromo oo xas noo gasha awgi. Waxaannu soo galnay waraq afka soo kala haya, dabadeedna wadiiqo kor uga baxdana ayaannu sii tafnay. Weheliyeyaashayda aad ayay niyadu ugu dhisnayd, farxaddaa guud ahaaneedna ma dhabqin cid aan ahayn dhagarqabihii Abtidoon ahaa oo jid dadkii suuqu ka buuxaan faan aan jirin ku dheeraystay in baqalka uu fuushanyahay aannu Amiirka kaga helnay Jisyad ama baad. Xammaali oo caro la dibbiray ayaa markaa ugu hanjabay in uu bartaa ku toogto. Dabadeed, si aanan dhib yar kala kulmin ayaan aniguna xaaladdii ku dejiyay.

Garfa markii aannu maraynay, waxa aannu Midgaha ka ogaannay in Garaad Aadan uu buugtaydii u soo cid diray oo uu gurigiisa ku xareeyay. Dabadeed, si toos ah ayaannu Kondura u qabannay. Todoba saac oo duhurnimo ayaannu si nabadgelyo ah kaga gudubnay Jarka Oromada, saacad ku dhawaad ka dibna 'Alxamdu Lillaah' ayaa naga soo kudday, markii aannu isha saarnay Shagarrax (?) iyo Banbcawseedka Maraar oo meel fog ka muuqda. Degmada markii aannu soo galnay ayaannu hubkayagii baaq ka ridnay. Dumarkii mashxarad ayay nagu soo dhoweeyeen, markii aannu deyrka sii dhaafayayna Garaado Khayra ayaa iyada oo 'Fola' (?) samaynaysa xoogaa salool ah dusha iiga daadisay. Raggu si saaxiibtinnimo ku dheehantahay ayay noo gacanqaadeen, qaar farxadda ay ka qaadeen aragtida nolol ku soo noqoshadeenna ayay cayaar tunteen. Waxay maqaleen in nala xiray, nala garaacay, oo nala gawracay. Waxay ku dhaarteen in Garaadku uu ciidan na soo furta ama noo aarguda dumayay. Dhab ahaan, haddii aan tolkood ahaan lahayn, raynrayn badani ma muuqateen. Ugu dambayntii, Yawmul Qiyaame ayaa si qumman oo edboon inta hore ugu soo istaagay gacanta iga dhunkaday, isaga oo indhihiisa illini ku taagtaagantahay. Xataa sharaftiisii uu ku ahaa Mercurygii (dhambaalside) Sharma'arke si fiican loogu ma soorin, habeennadiisii iyo maalmihiisii daalka badnaana wuxuu ku idlaystay akhriska suuradda Y. S. (Yaasiin?) iyo tasbiixsi uu khayr ku ducaysanayo. Wuxuu sheegay in Garaadku siin lahaa neef ido ah gabdhihiisana uu mid ku sii meherin lahaae uu Shirwac ka dhabqiyay oo odayga sakhinnimadiisii u baasbaxay. 'Inkaari kugu dhacday, midka cagaha dhiiqada leh ku wasakheeyay durdur xareed nadiifa ah!' ayuu ku haaraantamay Yawmul Qiyaame.

Dabadeed, aqalkii qiiqa badnaa ayaannu hore u sii galnay. Garaadkii iyo wiilashiisii Wilensi ayay jireen oo ku soo xallinayeen hawl culus oo ka dhalatay safar qabiilka Udbayahan dhacay. Intii ay maqnaayeen ayay wanaagsantii Khayra iyo gabdhaheedii shaqadii martigelinta guteen oo bariis iyo dhowr digaagadood noo kariyeen. Habeen wanaagsan ayaannu ku idlaysannay ka sheekaysiga dhibihii na soo maray, sida dalmartu yeesho, iyo isugu tahniyadaynta ayaankeenna wacan.

Laba saac subaxii dambe, ayaannu Wilensi u kooraysannay. Markii aannu u soo dhowaannay degmada, dhammaan dadkii jidka marayay waxay sidii Irish na wayddiinayeen in aannu nahay kooxdii Amiirka Harar uu laayay.

Hamblyayn qaylo dheer ah iyo sawaxan farxadeed ayaa nala ku soo dhoweeyay. Cawar isaga farxad ayaa ka badatay, Shehrazade iyo Deenarzade iyagana labadaba qosol ayaa ka soo haray iyo wax xishood loo kala garan waayay. Alaabadeennii ayaan u tagnay, dabadeedna waxaannu ogaannay in Cawar uu aammin daacada ahaa. Daacadnimadiisa, labadii hablood ilaa goor dambe habeenkaa cunno ma siin. Markaa ayaa waxaa soo muuqday Garaadkii iyo labadiisii wiil oo buugtayadii sida. Odaga go' qurxoon oo Xabashi midabbo badan leh ah ayaa loo dhiibay, aqalkana wuxuu ka baxay isaga oo inta xarragoota kan ugu xarrago badan ah. Haweenaydiisii qurxoonayd ee Sucdiya ahayd iyo wanaagsantii kalee khayra, waxaa looga farxiyay hadiyado isugu jira dhego Birmingnham waawayn ah, brooches1, jijimo, maqasyo, irbado iyo dun. Habeenkaa, sida caadada ah, wuxuu ku soo gebageboobay waliimaysi wehel leh.

Toddobaad ayaannu Wilensi isbaanasho iyo jiscin urursi u joognay, runtiina weheliyeyaashaydu Harar waa ku soo caqdeen. Nin Soomaali ah ayaa magaalada loo diray oo la faray in uu dameer ku soo raro basal, tubaako, xawaashyo, qaafiriyo iyo Karanji2 ay annaga lacag la'aantu naga hor joogsataty in aannu soo iibsanno. Waqtiga waxaan isku dhaafiyay in aan erayo Afka Harariga ka ururiyo Saciid Waal iyo gabyaa Cali oo ah Soomaali Harar wax ku bartay. Wuxuu ahaa nin bar yar oo madow, madax dheer, dhabar dheer, indho waawayn, sunniyo buurbuuran, san si qurxoon kor ugu taagan, iyo daaman culculus oo aan gar lagu ogayn leh. Wuxuu yiqiin afafka Carabiga, Oromada iyo Harariga. Sida uu u yaqaanno, waxaa ii suuragashay in aan dhib yari uga helo waxa badanaa ugu dhibka badan ee ah ka soo dhex saaridda afka isrogrogga naxwaha. Haddii aan erayadiisii adeegsado, waa 'Gabyaa Gabyaa dhalay'. Wuxuu ku bannaanaa qaddarintii Horace3 u qabay cabbitaanka maansayahanku jecelyihiin, tixdiisu marka ay jidadka naxwaha ka weecatana waxay u dhadhamaysay mid aad loogu cuskaday sanabada Cawaantu ay la xiriiriyaan Bacchus (Baakas / Baakshus)4 iyo Ceres (Siiriz)5. Wuxuu kale oo ahaa waddani iyo Tyrtaeus6. Ma jirto qabiil tolkiisa Geri ku soo duulay oo aan cay aad u xumi ku raacin. Canaanta uu dhallinyarada dagaalyahannada ah ku dhigay si ay Gadaabursiga ku soo durkaya isaga dhiciyaanna waxaa loo marin jiray kuwa wax 'burburiya'. Isaga oo uu dhiirrigeliyay go' yiil oo uu lahaa ha lagu siiyo ayuu xaajiga gabay u tiriyay. Waxaan soo gudbinayaa tarjumaaddii hordhaca gabayga oo toos ah, in kasta oo aan ku baraarugsanahay xaqiiqada ah in xigashooyinkan oo kale laga xishoodo.

Waa horaannu gabay meel dhignay aniyo awgay e
Maantaanse doonayaa inaan dhab u mariyaaye
Ilaahii Cabdalla keenay maanta oo carrabka ii daayey
Waa wiil Quraysheed oo kuman fac soo joogay
Awdal buu maray Saaxil iyo magaalkii Adareede
Boqollaal maraakiib uu leeyahaa badaha meeraaya
Maankiisu 7

Marka aanan gabayaa Cali ku hawllannayn, waxaan isku maaweelinayay in aan Saciid Waal oo aad uga murugaysan wiil uu dhalay oo garabka nabar xun lagaga muday niyada u qaboojiyo. Aniga oo ka wewersanaa in odaygu uu malaha ka niyad xumaa dhibaato dhaawaca ka timaadda, ayaan isku dayay in aan uga laabqaboojo. 'Bali, Xaaji!' ayuu ku calaacalay odaygii, 'taa ma aha! Sidee wiilku anigan toorray aan gaysto mooyee aan waligay la ii gaysan kii aan dhalay u yahay?' Wiilka singijiisa in laga shaafiyo laga la caal waa. Marar kale ayaannu madaxda qabiilooyinka isugu yeernay, si aan abtirsiinyahooda uga qorno. Tani waxay mar walba ku bilaabanaysay muuqaal piano, laakiin si degdeg ah ayay strepitoso8 isugu rogaysay. Qabiil iyo jilib walbaa wuxuu rabaa in uu kaalinta koowaad galo oo midkoodna xataa tan labaad ma rabo. Haddaba maxaa la yeelaa? Marka xammaasaddu meesha ugu sarraysa gaadho, warqadda iyo qalinkaba gacantayda ayaa laga dhufsadaa, madaxyo gurmaaxan baa naxariis darro la isu jiidjiida, toorreeyahana galalkaa laga doontaa. Ha se ahaatee, murannadaas si fudud ayaa loo xalliyi jiray, mar walbana waxaa lagu dhaafi jiray xifaale badan, qosol, iyo caraatan.

Nasiinadii todobaadku markii ay dhammaatay, ayaa waxaa yimi Sheekh Jaamicii Bartire oo sita qalabakii safarka ee ahaa seef, masallihii haragga ahaa ee salaadda iyo buraashad biyood. Ninkan buurane barta yar oo ka hela in uu qof walba hawshiisa faraha la galo, waxaa la socday walaalki oo aan qof sidiisa u salaad badan ahayn, iyo afar wadaaddo madmadow oo buubuuran ah oo uu dhaladkooda, cilmigooda, ilaah ka baqooda iyo wanaagoodaba uu si wanaagsn uga hadlay. Casho bariid, subag iyo timir ah ayaan gurigayga ugu sameeyay oo si dirqi ah, xanuun darti, uga cudurdaartay Sarmad ama habeen cawayn iyo ku dikriga kitaab culus oo laga bilaabo fiidkii ilaa habeenka saacadihiisa dambe la waday. Shiikhu wuxuu ii sheegay in hawshiisa nabadgelyo ee uu markaa u socday ay ahayd Badawida deriska ah in uu mag u kala xukmiyo. Xaalku waa kii Soomaaliyeed uun. Nin ayaa mid kale daawo siiyay, kii daawada la siiayay ayaa bil dabadeed dhintay. Ninkii dhintay aabbihi ayaa dawoolihii ku eedeeyay in uu sumeeyay wiilkiisii, magtii dhaqanka ahaydna dalbaday. Saciid Waal ayaa erayo xushmad darro ah ku la ganuunacay walinimada wadaadadan naftoodii salaad iyo Qur'aan u go'doomiyay, halka Garaad Aadan uu madaxa xoqday, ka dib markii uu maqlay dhalleecayntii sheekhu la beegsaday fikirka Soomaalida ee ah 'rag ciil cadaab ka dooray!' si xifaale ahna u sheegay in maanta dib loo Muslimiyay.

Axaddii, Janawari 21, ayuu ninkii aannu dirsannay Harar ka soo laabtay, isaga oo jiscinkii sida. Eraybixintaydii aan qoranayay waa dhammeeyay, wax Wilensi nagu daahiya haddii ayan jirinna waxaan go'aamiyay in subaxa dambe la dhaqaaqo. Markii kutirikuteeni dibedda u baxay, dadkii degmada degganaa oo dhan ayaa aqalkayagii ku soo jabay, iyaga oo wax ay baryaan ama qaataan doonaya. Dhakso ayaan ku khasbanaanay in aan xirno guriga, amar na lagu sii bixiyay in cid aan Sheekh Jaamici ahayn la soo dayn. Wadaadkii wuxuu yimi isaga oo inta belo miyi taal ee aan daawada loo helini u dhanyihiin. Markii aan sheekadii magta dhegaystay ayaan gaaray in qardhaasyadu ay yihiin daawada ugu wanaagsan ugu na dhibka yare ee buuralaydan laga adeegsado. Sheekhu waxtarkooda ku ma qancin markii hore. Markiise aan ijaasadaydii suufiga sare la soo baxay ayaa waa cusubi ku beryay isagii iyo Wadaaddadii la socday ba. 'Allay lehe maantuu caddaystay!' ayaa mid walbaa kii ku xigay kula faqay, iyagoo weli fajacsan. Sheekh Jaamac ayaa inta si fiican shahaadadii u rogrogay oo kor ugu qaaday meel madaxiisa la siman wax duco ah akhriyay. Dabadeed tiraab dabacsan ayuu nuqul iyo aan 'Ijaaso' u gooyo iiga baryay. Codsiga hore si aan hakasho lahayn ayaa loo aqbalay, kan labaadse waxaan door biday in aan ka meermeero. Dabadeed, wuxuu isu qiray in uu xerowgayga yahay, abaalmarinta shaqadiisiina waxaa laga siiyay qalin iyo cimaamad xariir ah.

Maalintii ambabaxeennu ahaa ayaa soo gashay, ha se ahaatee qofna u ma ekayn in uu dhaqaaqayo maalintaa. Xammaali, oo habeen hore firfircooni iyo shaqo ka muuqatay, hadda dib ayuu u gurtay. Bun iyo sibraarro biyaysan toona noo ma diyaarsana, Deenarzade na waxay u baxday in ay degmo fog qulco ka soo iibsato. Tani waxay ahayd shaqo Afrikaan lagu yaqaan oo dhab ah. Lix iyo labaatan maalmoodi ku ma fillaan shaqo la qaban karay saacad qura! Wax shaqaale ah Garaadku noo ma diyaarin, in kasta oo uu boqol ballan qaaday marka loo baahdo. Guuleed Dheere si aan ka fiirsasho lahayn ayuu toorraydiisii u amaahiyay af miishaarkii Yuusuf Dheere ahaa oo markii uu bixidda maqlay durba ba dhuuntay. Daqiiqaddii ugu dambaysayna, Cabdi Ammaan, oo in uu horwade Berbera na geeya noo noqdo Harar nooga soo raacay toban doollar, wuxuu hadda sheegtay afariyotoban. In xoog la adeegsado in aan laga fursanayn ayaa halkaa ka caddaatay. Garaadkii ayaan u cid diray, bal mar uun in uu awrta keeno, Xammaalina waxaan amar ku siiyay in uu aqallada furfuro. Cabdi waxaa loo sheegay inuu Harar ama meel kale qabto, Guuleed Dheere tooray kale ayaa Berbera loogu ballanqaaday, Deenarzade farriin ayaan u dhaafay in ay naga daba timaado, in la guurana waa la is faray. Qaylo iyo hadallo kulkulul dabadood ayuu safarkii saddex saac oo subaxnimo diyaar ku noqday. Iyada oo Garaad Aadan iyo raacdareebtiisii hargaantida ahaydi na hor kacayso ayaannu Wilensi dhanka bari kala laabannay, awrteennii aadka loo rararyna dirqi kaga degteen qarka adag ee ka degaandega waraqa ballaaran ee Wilensi ka gooya Bancawseedka Maraar. Todoba saac duhurkii ayuu garaadkii in aan joogsanno noogu baaqay, annaga oo aan dheg jalac u siin ayaan se sii dhaqaajinnay. Markan, Guuleed Dheere iyo Yawmul Qiyaame waa maqanyihiin oo amarkii dedegga ahaa inta jebsheen ayay laabteen oo toorraydii jariyeen. Si aan anshaxa kaladambaynta u sugo, markan ninka dheer ayaan madaxa, sida uu sheegtay, hubkiisa maqani wareeriyay, qarxin lahaa, dawadaasi se waxay u muuqatay mid cudurka ka liidata oo ma yeelin.
Aniga oo Xammaali oo qur ahi ila socdo ayaan rayrayn Bancawseedkii Maraar ku soo galay. Caalwaa' ayuu garaadkii nooga abhiyay in aannaan gelin meeshaa libaaxu ka buuxo, wuxuuna si aan laga siisan u ballanqaaday in uu neef ido ah ama dibi noo loogo. Dabadeed, halhaleel ayaannu inta ku dhaafnay awrtii kaxaynnay.

Banka dacalkiisa annagoo aayar la wareeganayna ayaa habsaamayaashii na soo gaareen, waxaan kale oo aragnay koox safarr ah oo sida caadada ah joogsaday, si ay noo waraystaan. Hoggaamiyaha oo baqal ku joogay, wuxuu noqday Madar Faarax, Soomaali Cadan aad looga yiqiin. Wuxuu yeelay in uu na weheliyo ilaa halka minqaadka xiga lagu nasto, wuxuuna aad u la yaabay sidii aan Harar kaga soo baxsannay. Wuxuu kale oo na siiyay xog hoose oo weheliyeyaashaydu aad u sugeen. Garaad Xirsigii Bartire oo uu Madar dadkiisa dhex degganaa ayaa waxa uu aad noogaga carooday waxa aan waddada toosan uga leexannay. Taa waxaa sii dheeraa, wuxuu war ku helay in aannu 600 oo dollar iyo alaabo kala duwan siinnay Garaad Aadan. Maxaa haddaba isaga loo qadiyay ayuu ku andacoonayaa? Madar wuxuu si la garan karo nagu la taliyay in aannu habeenka hore u sii guuraynno, kaynta oo laga yaabo in Midguhu ay leebabkoodii sumaysnaa adeegsadaanna iska jirno.

Waxaannu ku degnay degmo markii hore Gurays hoosteeda tiil oo hadda wax yar kuraha ka durugtay. Muggan waxaa soo muuqday Deenarzade oo ay dhinacyada ka lushaan qulco, carana cunaha joogta. Waxaa weheliyay Dahabo, geesigii Buux walaashi oo ay ninkii aan qummanayn, waa Garaadkiiye, inta is furneen rabta in ay nagu lug darsato oo gurigii reerkooda u socota. Dabadeed, waxaa yimi Yuusuf Dheere oo waji dhoollo caddaynaya iyo xariifnimo la soo galay, isaga oo toorridii sida, cudurdaar baddana ka bixinaya khaladkii dhacay. Waxaa weheliyay xayn rag reer tolki ah oo, sida caadada u ah, aanu Garaadkii ujeeddo wanaagsan la soo dirin. Ninkaa waxaa loo soo sheegay in qolada ay is hayaan ee Bartaire ay boqol neef dul dhigeen naftayada, nolol ama geeri. Gacanyareyaashaydii ayuu si beerlaxawsi ah ugu yiri, 'war ma jeceshihiin xaajigiinna?' oo hadda u raaciyay, haddii ay jawaabtu haa tahay, waa in ay xoogaa maryo ah siiyaan, marka la siiyaya uu konton fardoolay ah nagu jid marin doono.

Soomaalidaydii waxay ka dhureen war beentiisu meel mayl jirta ka soo urto. Dabadeed, in ay ka doodaan ayay u fariisteen xaaladdaa muhiimka ah, shirkaasina wuxuu qaatay saddex saacadood oo la isku go'ay. Anigu mar uun in aan dhaqaaqno ayaan soo jeediyay. Waxay ku doodeen in aan awrtu socon karin, qabowga bancawskuna uu dadka dilo. Safar ganacsato badar sidataa ay wadato oo wehelinteenna sugaya ayaan dabadeed in berri subax la dhaqaaqo ka la hadlay. Wali kuwii waa is adkeeyeen. Ugu dambayntii habeen ayaa galay. Aniga oo og in ay waqti lumis uun tahay in habeenkaa oo dhan laga doodo khataraha berri nagu fool leh ayaan timirtaydii cunay, caanahaygii dhamay oo dhinaca dhulka dhigay, si aan hurdo u ledo cidladaa aamusan.

Subaxii, Janawari 23, ayaan weheliyeyaashaydii arkay oo sidoodii walaacsan. Xammaali waxaa loo qaybshay inuu fasax u helo si uu Garaadka iyo raggiisii keeno. Taa si cad ayaa loogu gacansayray. Si ay ahaataba, waxay iga gayn wayday in aan dhawr go' siiyo doqonkii dhagarlowga ahaa, si aan ficil ugu xoojiyo codsigayaga jid marineed. Halkaa ayay Yuusud Dheere, Madar Faarax iyo raggii kale nooga tageen, iyaga oo ballanqaaday in ay ciidanka soo diri doonaan duhurka horti. Waxaan u jeeday iyagoo raynrayn ku tegay, oo dareensan in aan Geriga macasalaamaynnay. Khatarta ugu wayni waxay nooga imanaysay Garaad Aadan, taa oo ahayd xaqiiqo aanan ka war helin ilaa waqti dambe, ka dib markii aan Berbera ku soo noqday. Wuxuu mar walba qorshaynayay baad xoog ah oo haddii uu isku dayo naftiisa u qoonsan lahayd, se isla markaa annagana khatar daran na gelin lahayd. Duhurkii ayaa la gaaray, fardoolay se la ma hayo! Weheliyeyaashaydu waxay ballanqaadeen in hadii nala ku ballanfuro ay inta aan habeenku gelin dhaqaaqaan oo ilaa waaberiga socdaan. Markii awrtii la doonay, ayaa midi sidii negaadi lagu ballamay baxsaday. Waa ay raadiyeen, si sadcaalku waqti uu ku diyaar noqdo loo helo. Dabadeed, raggaygii ayaan si cad ugu sheegay in gabagabadii ay aniga iga go'antahay in aan kaligay berri Bancawska ka gudbayo, haddii lagama maarmaan ay noqoto.

Habeenkaa daruuro culus ayaa dhanka Kuraha Gurays ka soo rogmaday oo cirka mugdi madow ku deday. Markanna biriq daliig buluugan ah iyo onkod is wata oo sidii dakhsigii u kala didiyay duddo dad ah oo gurigayga hareerihhiisa foognaa ayaa dhacay. Roobkii wuxuu gurigayagii uga darroorary sidii aannu baastamiir hoos deggannahay. Deenarzade waxay sheegatay in aysan xanuun la kici karin, Shaharzade na waxay ku dhaaratay in aysan wax shaqo ah qabanaynin. War yaanan kugu daalin e, habeenkaa innaba wanaag lagu ma kala hoyan.

Waaberigii 24 ka, ayaannu u dhaqaaqnay in aannu Bancawseedka Maraar ka gudubno, annaga oo kolonyo ilaa labaatan rag ah iyo soddon dumar oo awr badar sidda, dameero iyo xoogaa ido ah wadata ah. Safkii dheeraa ee jiitamayay Xirsigii indhaha adkaa iyo Bartirehiisii dabkoodu ciirada subaxa nooga dhex muuqday 'waa ku dhici waayeen'. Hawadu waxay ahayd mid cakiran, cutubyo daruuro cukan ahna kuraha dushooda ayay ku ekaadeen, halkaa oo ay qabow iyo dabaylo dhedaysani banka ku garaacayeen. Mararka qaar roob ayaa na qabta, marar kalena shuux aan u daahin in uu ka duso dharkayaga khafiifka ah. Dadkaygii waa jarceeyeen oo ilakaha isku garaaceen, sidii ay baraf dul lugaynayaan. Luuditaankeennii, waxaan sii dhex marnay raxanno dameerfarow iyo dabataag ah, xawayaanku se duurjoog ayuu ahaa oo ragga iyo baqluhuba ku ma aadin in ay raacdeeyaan. Abbaarihii kala barka maalinta ayaa waddadii soo xirantay, maxaa yeelay waddadu waxay dhex maraysay tog qurac badan, waana halka ugu habboon ee dhuljiif qaansoolay ahi gasho. Kooraha ayaan ku dul qadaynnay oo ku cunnay cadad waawayn oo kumbis geel ah iyo fudad xabag geedaha laga soo guray ah.

Haddaannu ugu dambayn bancawskii ka gudubnay shil la'aan, saffaraydii waa na gacanqaadeen, isu hambalyeeyeen, ku na dhawaaqeen in aan naftooda badbaadinnay. Qorraxdhacacii saacad ka dib ayaannu gurigii Abtidoon nimi, xero wayn oo buurta dhuuban ee Konti hoosteeda ku yaal. Cabsi libaax laga qabay darteed ayaa dadkaygii xayndaabka ku xaraysay, halkaa oo aan habeenkii xoqxoqasho badan isku dhaafinnay. Waxaa markan faro kulul igu hayay xanuun sulphur (muqlo?) lagu sheegay. Kani waa xanuunka Carriga Somaaliyeed ee gudaha xiga (dhanka xeebta marka laga tago). Dadku waxay sheegaan in dakhsiga iyo dhiglaha laga qaado, Yurubiyaanku se wuxuu u aanaayaa mayrasho la'aanta, ama aan iraahdee suuragal la'aanta mayrasho.

'Allow Socotada kaalmee, naftu iyadaa ba iska socota e'. Oraahdaa ayaa Yawmul Qiyaame afkiisa ka dhammaan wayday. Sidaa oo ay tahay, sida muuqatay, xaalkaygu waaba kasii duwaanaa. Janawari 25, waxaa na habsaamiyay tabardarrada awrtii oo buuraha Geri aan baad badan ka soo cunin.
Markii aannu u soo dhawayn carriga Habar Awal9 oo waagaa aano dhiig kala dhex tiil raggayga oo dhammaan Garxajis ahaa, malahana toddobaad ayay nagu qadaan lahayd ka hor inta aan abbaan habboon oo adag helaynno. Horeba waxaa la i daahiyay toban beri waqtigii la qabtay, jaallayaashaydii Berbera shil dhaca calool uma ayan hayn, in kasta oo aan Wilensi ka soo baxnay se waxaannu isla goosannay in aannu xeebta ku gaarno laba todobaad. Sidaa awgeed, socod bil ah shaki la'aan waa la filayay.

Anigoo fikir xaaladdu igu ciirsanthay, meel aanu fikir waxba qaban, ayaa si lamafilaan ah waxaa u yimi ninkarmeedkii Buux ahaa oo walaashi Dahabo jalaqsan ay noo soo dirtay. Wuxuu noo sheegay in Abbaan uu degmada joogo, warkaasina fikrad ayuu igu dhaliyay. Waxaan soo jeediyay in uu Zaylac u sii kaxeeyo awrta, dumarka iyo alaabada oo uu Cawar hoggaaminayo, halka annaga oo fuushan gammaankeennii, sidannana hubkeennii iyo saad afar maalmood ku filan aannu carri Habar Awal sii dhex marno. Xoogaa isjiijiid ah dabadeed, dhammaan arrintii waa la isla oggolaaday. Aniga oo ka masuugaya ayaan saadkaygii oo dhan; shan xabbo oo buskud ah, dhowr xabbo oo liin ah iyo fudad sonkor ah jeebka ku shubtay. Wax dibudhac ahi haddii uu gaadiidkeenna ku yimaado hubaal waa caqanaynaa. Waa tan hore e, waxaannu sii dhex maraynnay agabbar qarfe ah. Tan labaadna, Habar Awal meel ay degto hilib iyo caano midna ka iibin mayaan Habar Garxajis. Sidaa awgeed, gacanyareyaashaydii waxay qaateen saad yar oo hilib areerin ah, badar, iyo macmacaan isugu jira. Hal haan oo biyo ah ayaa kooxda oo dhan ka dhexaysay.

Janawari 26, ayaannu habeen la qoyay dabadii waaberigii kacnay, se ilaa hal saac oo subaxnimo ma aannu dhaqaaqin. Sababtu waxay ahayd, kooxdii oo dhan Cawar, Shehrazade iyo Deenarzade waxay wada sheegteen in ay mid ba taladiisa ama taladeeda gaarka ah qaadanayaan. Markii aannu saaxiibbadeen iyo alaabadii ka tagnay10 ayaannu gammaankii ciribta ku sii dhufannay oo annaga oo Buux na hor kacayo ceeryaamo iyo daruuro dhexdood xagga Kooralay u kooraysannay. Saacad qar dhagaxyo tuuranyihiin dushii an ku ruclaynnay dabadeed, Togga Harawo ayaannu ku soo dhacnay. Waxaannu ku soo baxnay degmo Gadaabursi ah oo ay wehelladaydii ku hakadeen, si ay u waraystaan, calooshana caano uga kiistaan. Halkaa ayaannu aayar uga sii soconnay, sida waddada oo goog'anaydi na badday, oo sii dhexmarnay xirmooyin xinneduur ah ilaa aannu ku tagnay xayndaabkii uu degganaa Buux reerkiisu. Meel dheer ayaa waxaa naga aqooday oday aannu hore isu niqiin oo Faahi(ye) la yiraahdo. Wuxuu isla markiiba bilaabay in uu ciyaar boodboodo, sidii Polyphemus11 yar, isaga oo tuurka timihiisu hawada babbanayo. Caano dhamid badan ayaa mar kale habsaamisay wehelladaydii oo hadda afar maalmood jiscinkood urursanaya.

Minqaad kale ayaannu dib inta u kooraysannay safarkeennii ku sii wadannay qar iyo jiq isku dhafan, gammaankeennii ka waraabsannay ceelal Dix ah, oo uga sii gudubnay degmo uu deggenyahay Ugaaska qabiilka Gadabuursi. Wuxuu ahaa nin da'diisu dhexdhexaad tahay oo iska caadi ah, ma na uusan seegin in uu gacanta u soo taagto hadiyad uu iska qaban waaway. Qiyaasta saacad barkeed markii aannu nassannay, ayaannu jidmariye qalqaalsannay oo ku la heshiinnay in aannu shan doollar iyo laba maryood siinno, si uu noo weheliyo. 'Dubayr' (?) oo Bah Gobada Habar Awal ka dhashay wuxuu ahaa 'xayaysi dheer' oo sida badawida oo dhan aan daal u adkaysan karin. Fardafuulka ma uu aqoon, kooruhu waa gooyay, baqalkiisiina waa u dhaqaaqi waayay. Dhowaan ayuu guursaday, socodka ma karin, harraad ba'anna waa uu ka sheeganayay. Dubayr wax wayn ka ma ogayn xilka uu dhabarka u ritay, markii uu ballanqaaday in uu Berbera na tuso maalinta saddexaaad. Minqaadkii labaad ayaa ka dib ballanqaad hadiyad wayn iyo cunto joogto ag lagu qalqaaliyay in uu sii socdo. Mararka qaar dhererkiisa ayuu dhulka is bilqiyay, isaga oo ku cataabaya in ay imminka tiisii gashay. Nin la arkaba warankiisu waa noo col dhulka aan doonayno in aannu sii dhex marno. Sidaa awgeed, feejignaan ahaan ayaanu amar ku siinnay in abbaannayadu ay na marshaan jidadka cidlada ah, si feejiganna ay uga fogaadaan degmooyin oo dhan. Markii hore, isaga oo aan garan ulajeeddadeenna, mar walbana ay caano kaga dheggantahay, xero oodan ma uu dhaafi karin isaga oo aan il quuddarro ku godin. Maalintii xigtay, si ay ahaataba, qof lala shqayn karo ayuu noqday, intii aan Berbera la gaarinna wuxuu noqday mid xataa annagii nagaga tugtug roon ka fogaanta degmooyinka, aano hore oo tiil darteed.

Dubayr amarkiisa ayaannu mar kale dib ugu kooraysannay oo socodkeennii xaga bari u sii wadannay. Markan, Soomaalinnimo xataa waa uu ku war badnaa, wuxuuna bilaabay in uu jidka dhankiisa midig ka tilmaamo burburka dhisme dhagax ah oo, sida dhulalkan caadada ka ah, lagu magacaabo qalcad. Shishadeeda waxaannu ugu tagnay degmo ay dhammaan dadkii degganaa qaylo baryootan tubaako ah ka wareegeen. Sagaal saac oo galabnimo ayaannu nimi Dix ballaaran oo ay jiq geedo isku maran ahi cabburisay. Waxaa nala tusay ceelal Gaalo hore lahayd oo la yaab leh, waa godad dhaadheer oo ilaa labaatan gacood dhexroorku yahay oo dhagx laga qoday. Qaar waa gureen, kuwo kale na waxaa ku baxay geedsaar. Mid kaliya ayaa biyo rooni ku jireen. Qabiilka Gadaabursi ayaa ceelashan Geriga mag uga qaatay. Markii ceelashan la dhaafo, dhulka waxaa dega Reer Yoonis Jibril, jilib xoog badan oo Habar Awal ah, buurahana waxaa ku teedsan xayndaab iyo xero ood xanan ah leh. Annaga oo aan salaanta ka celin badawiyiin si ku dheeraysi leh nooga dalbaday in aannu joogsanno oo u warrano ayaannu hore u sii rucaynnay, annaga oo raadinayna xero cidlo ah. Qorax soo baxii dambe ayaannu marnay muuqaal wayn oo dhankeena bidix ah. Waa burburka degmo waa hore ahayd oo loogu magac daray Wali degi jiray halkaa oo Aw Barhi (Aw Barre) la oran jiray. Buurta labadeeda dhinac waxaa dhaca dhul bancaws ah oo neecawda galbeedi basali qurxoon ka yeeshay. Soddoniyoshan mayl markii aannu sii fuushanayn, ayaannu nimi xero wayn oo markii aannu ooddii gudaha ahayd qaadnay caws cusub uga helnay gammaankeenna caqday.

Habeenku wuxuu ahaa mid carcartiisii qaba oo dabayli dhacayso, uumibiyood adagina wuxuu isu rogay dhado dhibcaysa oo aan oon naga bi'in se si fudud heeryadii oo sariir noo ahayd ku qoysay. Si haddii loo eego, cimmilada darani waa noo roonayd.

Raadkayaga waxaa si fudud u soo raaci karay wiil walboo boolidoon Yoonis Jibriil ah. Kaymahaa geedqodxeedka lihi waa meelaha loogu jecelyahay dhicidda xoolaha. Taa waxaa sii dheerayd, habeenkii oo dhan dabka la ma damin. Sidaa oo ay tahay, baqalahayagii la ma xadin. Maalintii Janawari 27 ahayd, ayaannu waaberiga horti hurdadii ka boodnay. Halkii aannu ku nasannay agteeda ayaan ku arkay mid ka mid ah taallooyinka dhagaxa ah ee goonida u go'an ee dhulka Soomaaliyeed ku badan. Daraf ayaa dhadhaab wayn oo ilig mici ah la moodo kor uga taaganyahay. Dubayr wuxuu sheegay in dusha sare uu wali ka muuqdo raad dhisme waa hore ahaa, wuxuuna ka sheekeeyay sheekaxariirtadii laga marshay Moga Madir (?). Halkaa, waxaa waa sii horraysay deggenaa haweeney Gaalo ah oo isheedu meel shan maalmood loo socdo colka burcadda ka arki jirtay. Qabiilada cadawgeedii ayaa, ka dib markii ay jabab badan oo calculus la kulmeen, weerar ku habboon soo qaaday. Ma ahan iyagoo labbisan e xirmooyin caws ah ayay madaxyada ku soo duubteen. Markii inantii Moga ahayd aabbaheed iyo ciddeedii la socodsiisay in bancawsku uu buuraha ku sii siqayo ayay waalli ku xukumeen. Xeeladdii waa lagu guulaystay, indhadheertiina iyada oo ciishaysan ayay sidaa nafteedii ku wayday. Sheekaxariirtu waxay igu xiiso gelisay sida ay u baahday. Taariikhdii Sarqa, qumayadii indhaha buluugnayd ee Jaadis ee Yamaama ku qabsatay sixirkeeda iyo sheekadii reer Scot-keenna laga yaqaan ee socodkii kaynta Birnam waa laba sheeko oo isku mid ka ah Aasiya iyo Yurub oo u dhigma 'Iliggii Moga' da Afrika.

Hal saac oo habbeennimo ayaannu uumibiyoodkii ceeryaamada ku dhaqaajinnay oo xagga bari u ruclaynnay, annaga oo ceel biyood raadinayna. Hagihii waa na khatalay. Maalintii hore wuxuu ballanqaaday biyo nus mayl walba oo la socdo loogu tago, dabadeed wuxuu calaacal ku sheegay in aannaan biyo cabbayn habeennimada ka hor. Dadkani waxay u muuqdaan kuwo beenta aan lagu dirqin oo dabeecadda beenlownimadu ay caado u noqotay. Way ku khayaanayaan, iyaga oo aan dhagar ula jeedin, sida kaliya ee war sax ah looga heli karaana waa in aad warsato, jawaabta hesho, oo aad hubiso in ay xaqiiqada waafaqsantahay iyo in kale.

Kugu luggoyn maayo, gacaliye L(umsdenow), qeexidda iskujoogga iyo muuqaalka aan xiisaha lahayn ee dhulka aannu soo marnay. Waa buuro cillan oo dushooda geedo xaskul dhadday ahi warmahoodii la baxeen, bannaanno sida muuqata dhagxaan roobka looga dhigay, dhul bannaan islabarogaya ah ayna ka buuxdo qodax miiran oo loo abuuray uun in ay qofka dubkiisa iyo dharkiisa jeexdo sidii 'wax yar sug'12 tii carri Kaafir.13

Dhibkeennii waxaa sii labanlaabay cabsida sadcaalayaasha reer Bari, jinkii Harraadka ayaa sidii walwal noo daba galay. Afariyolabaatan saacadood ayaannaan biyo dhadhamin, ciriddu maskaxahay naga dubanaysay, dhaandabagaalluhu leexad walba waa na mihiyay, saamaynta ay nagu yeelatay taasina waxay ahayd nooc dhadhab naga dhigay. Haddii aan sii jafleeyay oo anigoo indho damuuqsan dabaysha afka saaray, wax hummaag ah oo aan rabiddayda biyood la xiriirini is ma kay tusin. Biyo ayaa uun i hor socda. Biyo ceel dheer oo harac qabow ah ku jira, biyo durdur ah oo iyagoo baraf ah qar ka burqanaya iyo biyo xareed harooyin xarfanaya ah oo in aan ku dabaasho oo barwaaqadooda aayar isaga bururo igu soo dhowaynaya ayaa uun ii muuqda. Muggan daruur Hindi ayaa dhibic luul la dhalaaliyay ka qiimo badan i saartay, dabadeed na gacan aan loo jeedin ayaa ii dhiibtay baaquli ay naftu si rayn leh sannado sii nololaan ah u siisan lahayd. Dabadeed, kaaf iyo kala dheeri! Mar qura ayaan indhaha ku kala qaaday ban hanfi ka soo sunsumayo iyo cir buluugga qurxoon ee aan caadka lahayn ee farshaxanka wax asla iyo gabayaagu jecelyihiin, annaga bangeeriyaad-lamoodka noo ah. χαλου14-diisa marka la eego u ekaa mid kicinsan, dabayl roob wadata iyo sagal aad u ballaaran oo midabkiisu basali yahayna la yimid. In aan hadlo ayaan damcay, waa se kari waayay. In aan heeso kari waayay, fikir kari waayay; fikrad walbaa waxay ku soo ururtay hal wax uun, biyo.15

Cadceeddii marka ay Bari ku libidhay ayaannu u soo degnay dooxada Gogaysa. Muuqaal aan laga sheekayn karin ayaannu meel dheer jaan gacaaran ka aragnay. Xoolaheennii meel fog ayay raxmadda ka carfiyeen, dhegahoodii raaracay ayay taageen, waxayna bilaabeen in ay nala rucleeyaan, ilaa i aannu leexad ka aragnay laasas yaryar oo badan. Koorakaboodka, la tartanka gammaankayagii oo xataa aan hadda ka baqayn muquusta qawlallada ku diisantay, naftayada dac ku tuuridda, qurqura aayar ku jiidka iyo wajiyadii gubanayay biyo ku sayrsayridda, intu ba waxay qaadatay wax ka yar in la xasuusto. Haddii miyir loo eegay, taxaddar ayay doontay. Dushu waxaa aad u sabbaynayay lullumo iyo cayayaan. Xikmadi markan xoog badan ma lehe, waa cabnay, oo cabnay, oo cabnay, oo haddana cabnay. Haddii gammaankayagii cawskii jeel afka dareen, waxaan soo jeediyay in aannu saacado yar ceelka agtiisa joogno. Weheliyeyaashaydiise baqdintii la yiqiin ee libaaxa ayay la cataabeen oo jabad laga guuray oo buur deriskeenna ah dusheeda ku yaal noo kaxeeyeen. Qiyaastii soddon mayl ayaannu xagga bari u soo soconnay, waxaana soo galnay dhul nabad ah oo ay degaan qolada Bah Goba oo hagahayagu ka dhashay. Qorrax soo baxii, Janawari 28, Dameer oo cagihii markan socod gabeen ayaa la fuuliyay, isaga oo sheegaya in ninka cad uu inkaar durriyadda Isaaq cirka looga soo tuuray yahay. Buraashaddii marka aannu biyaysannay ayaannu dhaqaaqnay oo dooxda Gogaysa hoos ula degennay. Baqalaheennii qoobabka ayaa xanuunay, koorayaashuna waa jareen. Sidaa darteed, waxaan ku khasbanaannay jirdil kale oo ah in aan sidii xaaxeeyadii ugu luudno kuraha daran iyo kaynta aan loo bogin.

Abbaarihii duhurka ayaannu soo gaarnay Waadi Dhanaane, waraq dheer oo dhagax dhexdi ah. Dhexdu waa biyo mareen dhubban oo cammuud meel meel caws dhaadheer ku leh, nus mayl walbana biyo badan oo macaan laga helo. Gebiyadu waa qar adag oo qoto dheeryihiin, kaynta qodaxlayda ah ee hareeraha kaga taalna waxay u yeeshay muuqaal duureed. Xayawaanno raadadkood, sida quagga16 iyo cawl, ayaa meel walba yaacsayay. Aniga se oo aan marka 'kaftan Dianic17' i hayn, badawidana doonayn in aan ogaysiiyo meesha aan joogno, ayaanan xabbad juc ka siin. Waa sii soconnay, geedo waawayn oo dhowaan la diiray iyo dhir jilicsan oo kale oo la rujiyay ayaa muujiynayay in meesha mar aan fogayn ay raxan maroodi ahi martay. Baqalkaygii, in kasta oo uu gammaanka ugu geesisanaa, argagax ayaa u dhammaa. Shimbirmalabta yar ee ciirada leh ayaa iyaduna xeeladdeedii oo dhan la soo baxday, si ay noogu jeediso in aan habownno. Markan geedka ugu dhow ayay dul fariisatay oo kala jiririq leedahay casumaaddeedii barwaaqada, dabadeed duulimaadyo gaagaaban oo hore iyo gadaal ah ayay nala hor haadaa, si ay jidka noogu tilmaanto. Ciidankaygii se, in kasta oo uu carrabkkodu jacayl malab hidde u leeyahay, ma ayan raacin (shimbirtii), iyaga oo garowsaday in markan danta ay casumaadda ka leedahay aysan wanaag qumman ahayn ee wax kale jiraan.

Toggii haddaanu ka soo baxnay, xoolaheennii ayaannu ku tirtirsiinnay dhul marka si loo eego siman, annaga oo rajo iska hungo ah ka qabna in aan habeenkaa badda mar uun aragno. Haddaanu sii soconnay, dhirtii waxay noqotay dhif, dhulkiina sibsib. Meel meel wadiiqadu waxay maraysay dhagaxbireed maardhac u eg dushi. Meelo kale ciiddu waxay lahayd carraguduud lo'du leefto, iyada oo sida ay u badantahay maaddada birta ah ee ku dhafan ka raadinaysa. Dhulka meel walba waxaa gubay qorraxda daran, roob la'aanna waa la basaasanaa. Galabihii ayaannu soo galnay hoobad ballaaran oo Soomaalidu ku magacawdo Dix Maroodi ama Maroodiley. Ballaceedda markii aannu ka galbeed bari u jaraynay waxaannu sii marnay laba Dixood. Tan soke waa 'Xamar' (ama Xammur), tan shishena waa 'Laas Dhuurre.'

Muuqaalka waa isaga ekaayeen. Waadiga caadiga ahi waa 100 yaardi ballaca, ciid dahabi ah oo uu dhinacyada leek (?)doog ahi kaga teedsanyahay, ceelal guray oo ay dhinacyada ka yaallaan taalloyin qodxo durrujaa ah, raxan cawl ahina si xarrago leh ay gogosha dhagaxbaruurka ah u dul laafyoonayso.

Toggii marka aannu gar ka gar uga baxnay, ayaannu bilownay in aannu degaandegyada dhul daaq sare oo dhinacyadiisu ay sidii daah ugu samasymeen musduleedkiisa hoo u la deganno. Kani waa bilowga dhulka hoos ee Xatabka foorara ah ee ay tahay in annu ka deganno, inta aannaan badda indhaha saarin. Daruuro qabow ciiro leh ah oo siman ayaa dusha sare ee sida miiska u samaysan ka soo rogmay. Markaan waxaa na qariyay uumi ceeryaamo qabow qoyan ah, haddii aannu sii soconnayna roob ayaa bilowday. Iftiinkii maalintu haddii uu sii libdhay, mar kale ayaannu u degennay dix salku dhagax marmaroorsan yahay, taa oo ah biyashubka ugu wayn ee buurta xagga dhulka hoose uga shuba. Weheliyeyaashaydii oo hadda caq ku dhow, waxay saddex maalmood ku noolaayeen sacab timir ah iyo macmacaan si kal iyo laab ah loogu liqay miraha gob duureedka dhagxaanta dhex daadsan. Hagihii ayaa markaa naga sii hor maray, mugii aan soo gaarnayna waxaa loogu yimi isaga oo fadhiya gebi caws leh oo ku yaal darafta biyamareen qar ah. Farxad yaabiso leh ayaannu dabadeed kooraha kaga boodnay. Waxaa aad looga walwalsanaa iyadoo loo toog hayay in gammaankayaga oo midkood markii horeba katiga waranka lagu waday ay habeen kale oo gaajo ah nagu dhaafaan, sidaana aan rarkoodii dushayada ugu qaadno. Waxii meesha ka jiray ayaa dhakhso isu muujiyay. Dhagaxa waxaa ku yiil hog ilaa laba cagood ballaca dhan oo halkaa qarka dixda ee dushiisa ah inta dahaarwiriqo ka sameeystay rah iyo lullumo janno u noqday. 'Gacangal'kan waxay Soomaalidu u taqaannaa 'ceel-dabagaalle'. Si ay ahaataba, waxa Dubayr iiga sheegi karay oo dhammi waxay ahaayeen in marka reer guuraagu togga soo degno ay biyuhu dhulka hoos ugu degaan, mucjiso sida aan u maleeyay aan laga gun gaari karin, Alle oo furfura mooyee. Isla sheekadaasi waxay sheegtay in waxani ay Carab 'waa hore' ahayd ka dambaysay.

Baqalihii cawskii daribta ahaa ayay si hamuungorgor leh afka u dareen, annaguna casho tii ugu bakhaylsanayd ayaannu u karsannay in aannu habeenka roobabawga ah isku dhaafinno. Hase ahaatee, markan qoollayda iyo Katas18 oo ah shimbirta kaliya ee dhulkan biyo u baahata ayaa noo soo dhowaaday, iyaga oo ka baqaya in ay cabbaanna ci' iyo qaylo dheer nala dul duulduulay. Weheliyeyaashaydii waxaa u muuqday in ay suurogal tahay imaanshaa bahallo waawayn oo xooggan, iyo xataa dad biyaha soo raaca.
Nasasho gaaban dabadeed, horusocod ayaa lagu baaqay, kanuna wuxuu ahaa baaq aanan mabd' ahaan waligay diidin. Baqalaheennii oo hadda kifaaxay niyadduna u dhisantahay ayaannu dib u kooraysannay, si aannu u tafno afka hore ee dhagaxa ah ee kurta Bari, annaga oo ceeryaamo dhedo ah oo gudcurka culus sii madoobeysay sii dhex marnay. Haddii aannu dusha qabowga badan u baxnay, roob culus ayaa weheliyeyaashaydii marmarsiiyo ay ku degaan siiyay. Waxay heleen xero jabad iska diyaar laga guuray ahayd oo aan habeenkii u hoyannay. Maalintaa waxaannu soconnay ugu yaraan 35 mayl, annaga oo aan intaa qof dhaqaaqa arag. Dhulku waa wada gubad biyo la'aan la gamaaray, reer guuraagii oo dhanna waxay u guureen xagga bananka.

Subaxii Janawari 29, si aan looga baran ayuu u wacnaa. Roobkii habeen hore da'ay ayaa ceeryaamo dhedo xoog leh ku reebay buuraha iyo dhinacyadooda, uumibaxa dedegga ahina ilqabadka musduleedka ee aan caadka lahayn ayuu midab buluug culus ka yeelay. Maalintii waxaan ku bilownay kor u fuulidda wadiiqo ari oo taag sare ah. Waxay ku soo dhacday dix cammuud leh oo ay ku baxeen Gob iyo geed qodaxeedyo kale. Meeshu biyo badan ayay lahayd, dhinacyada dhagaxa ahna waxaa ka muuqday gebiyo ku bannaan kii Qoomkii kahfiga.19 Wadiiqadeennii haddaanu tog dhagax leh oo u dhaxeeya kurta labadeeda gaw ee is garab yaalla sii raacnay, waxaannu abbaarihii afar saac oo subaxnimo ku hakannay jaan dhulcawsaad roobkii beryo la soo dhaafay bacriminyay kurta dusheeda uu soo saaray. Intii ay daabbadaheennii cawska boobayeen ayaannu geed hoos fariisannay oo xagga hoostayada fog ah ka aragnay dhulka hoose ee Hoobadyada iyo badda kala qaybiya. Toobiyeyaal sagallo rogmaya u eg waxaan ka arki karnay marinnada dhaadheer ee dixaha meel ka hoosaysa waran. Afar saac oo subaxnimo, wax yar ka dib, ayaannu socodkeennii sii wadannay oo bilownay ka hoobashada gebi uu haguhu ku sheegay magaca 'Kadar' (Khadar) oo aan kaga sii daadegnay hoobadkii.

Biyamareen cammuud ahi ma jiro e 'Jar'ka dhulkan cawaaneed ayaa sadcaalayaashu adeegsadaan. Hoobabka daadegga ah ee kurta ayaa waxaa ku yaal tuurar is xiga oo dhadhaabbo midba mid jaranjaro aan qaabaysnayn loo dul saaray yahay, sida ka muuqatana aan suurogal u ahayn rati rarani in uu maro. Gebiga oo ah Splugen20-ka Carriga Soomaaliyeed ayaa markaannu saacad sii fuushanayn nagu riday Waadiga Duntu, faruur-buureed ay sameeyeen lisanka roobabka mahiigaanka ahi. Waraqaa ayaa durba ba sii dhex xula laba gebi oo ugbaad leh oo syenite iyo dhagaxdixeed basali ah oo mica fulfullaacsan la dhalaalaya, daliigo moosas ah iyo durdurro yar yar oo dhagaxbaruur bayl cad ahna leh. Mardimaha dhaaracyada dhagaxciideedku xagga iyo xaggoo sagxadda ugu soo kudsani si la yaab leh ayay bu' dhexe ugu marmarnaayeen, sida laamaha saaqa cagaarani geedka isugu maraan. Xagga sare fiiqaqa kuraha ayaa hawada sare dhex liqdaaran, xaggan kale dabaylaha culus ayaa ciiddii geeduhu ku bixi jireen ka xayuubisay, xaggoo kalena geedo xabageed ugbaadkooda loo bogo ayaa cagta buurta ilaa fiiqa daboolay. Khuurigu markan ciid ayuu lahaa, waxaa na ku goglan dhagaxnuuradeed sagxado lagu simbirixdo leh, meelaha qaarkoodna waxaa qabsaday dhadhaabyo. Mar mar dhabbuhu waa bannaan fudayd lagu mari karo, marar kalena waa hoobad dheer oo labaatan ilaa soddon cagood dherer la'eg ah oo roobka dabadi biyadhac yar noqda. Kuwaa ayaa nagu qasbay in aannu marinkayaga sii dhex xoogsanno qodxaha macangagga ah ee aad mooddo in ay difaacayayaan taag kur dhagax leh ah. Haddii kulkii duhurka ee ku soo ururay carrigan dubaaladda ah uu dad iyo duunyaba saameeyay, waxannu helnay hul looxdixeed hoostiisu haraca tahay oo biyo xareed ah oo ciidda ka soo burqanayaa ay balli dabiici ah ka sameeyeen. Halkaa ayaan fariistay, si aan uga isha bogto qurxuda iyo cimmilada ay sida meelo ka mid ah Beershiya iyo Waqooyiga Caraabiya dhulka agabbarka ahu udgiyeen geedaha carfooni.

Saacad barkeed ka dib, dib ayaannu uga fuulnay oo jidkeennii waraqa Dantu hoos u la sii degnay. Haddii aannu sii durugnay, buuraha dhererkoodii waa shuuqay, bedkii dhulku wuu sinmay, derbiyadii qarka ahaana tartiib ayay inta u kala furmeen banka ku libdheen. Hawada kor ee cusub oo is jiidanaysa, halkanna jilicsan, qoyan oo diirran, iyo qorraxda kulaylkeedu daranyahay ayaan kaga qanacnay in aannu mar kale Hoobadyadii hoos joogno. Laba saacadood ayaannu gammaankeennii xagga koofur-bari ku tittirsiinnay oo dix ballaaran oo qalqalloocan ku degannay, annagoo ku dadaalaynay in aannu ceel walba dhuganno, se dhammaantood aan ugu tagnay iyagoo ciid qallalani ka buuxdo. Dabadeed, inta xagga bariga u leexannay ayaannu jarnay ban Dubayr ku magacaabay 'Battaladayti Taranay' (?) oo aan laga aqoon dhulxeebeedka Zaylac agaheeda ah. Kadinno geel ah iyo tirooyin ido ah oo dhex daaqaya Quracda qodaxda leh iyo Kulanka rucubbada ah, sadcaalayaasha caqday waxay u ahaayeen artagtiyo rayn leh. Waa markii ugu horraysay ee aannu aragnay qof dhaqaaqa, ka dib saddex beri oo koorakujoog adag noo ahaa. Xoolajirta oo dhammaan Makaahiil, Habar Awal ahaydna markii aannu soo dhowaannay ayay orod dibadda ku dhaceen. Ugu dambayn, mid ayaa geesinnimo uu ku joogsado oo ku warramo yeeshay. Weheliyeyaashaydii war san ayaa halkaa lagaga farxiyay. Dil badani ayaamahan ma dhicin, xagga xeebtuna waa marnayd oo wax cadwgayagii indhaha adkaa ah lagu ma sheegin, waa Reer Axamd e. Cawskii hirarka guban ahaa ayaannu caggta hore u sii saarnay oo xagga Jabal Almis afka saarnay. Waa tilmaansiga ugu wayn ee badmaaxyadu xeebtan ka ilaashadaan, ilikuwareedhayda ka sii shisheysaana waa daliig dhuuban oo buluug ah oo aannu indho faraxsan ku eegaayny (badda).

Waddadayadu waxay kala dhex martaa kuro gaagaaban oo bunni dhagaxnuuradeed iyo dhagaxciideed isugu jira ah, hoobadyada yaryarina ay saf firiqsan ka yeeleen inta u dhexaysa buuraha xeebta iyo badda. Muggan wadiiqadii waxaa cabburiyay geed-gaab jiq ah oo nooc Qurac ah. Waa Sarmaan ubaxeedda hurdiga ahi hawada udgiyay aan se lagaga biskoon nabarrada ay gaysato qodaxda laba inji ku dhowaadka dherer jeedda ee afka ku sidata caarad irbad la moodo. Markii aannu galabihii jiqdii ka soo baxnay ayaannu aragnay geelal badan oo aannu dadkii la jiray u yeernay, si ay noogu yimaadaan. Waxay ku falceliyeen in ay sidii goroyadii qararka ugu dhow ku caraaraan, iyagoo qayladhaaminaya. Markii aan u soo dhowaanayna nin walbaa wuxuu naga baryay in aannu xoolahaa deriskiisa dhacno. Intii aannu carriga Soomaaliyeed wareegaynnay, tan oo kale waligeed ma dhicin, aad ayayna iiga yaabisay xaaladda murugsan ee ay ku suganyihiin gobollada Habar Awal degto. Muddo yar dabadeed ayaannu badwi geeliisii ku oryaya oo ulaynaya si xasaasi leh ugu qalqaalinnay in uu na dhegaysto, haddii dhaarteennii u laabqaboojisayna wuxuu isku sheegay in uu Bah Goba yahay noo na ballanqaaday in uu na tuso degmo Reer Gadiid ah. Xammaali oo reerkan xidid la ahaa, soddogiisna in uu abbaankayga Berbera noqdo u sii qoondeeyay ayaa ballanqaaday martigelin wacan. 'Caawa meel dugsoon ayaynnu seexan doonnaa, caanana waa dhami doonnaa' ayuu nin walboo gaajaysani kii kale ku yiri, (kan dambana) isla marka ba wuxuu ku daraa 'aahey, hilib idaadna waannu cuni doonnaa.'

Gabbaldhacii dabadi ayaannu nimi degmo. Gammaankii ayaannu koorayaashii ka rognay oo ag fariisannay xeradii, annaga oo xeedhooyin cunno macaan ah niyada ku haynna. Iridda aqal ka soo horjeedkeenna ah waxaa jooga koox rag ah oo imaatinkeeda arkaysay se aan noo imaan, nana salaamin. Markii aan sugi waayay ayaan bastoolad riday, markaa oo cod iska hadle ah uu waydiiyay waxa aan geela la lisayo u didinayno! Waxa aannu ka soo kor dhacnay Reer Shirdoon', cadowgayagii darnaa', ayuu Yawmul Qiyaame ku faqay. Isla codkii hore ayaa haddana hadal ka sii kulul kii hore ku yiri 'ayaad tihiin?' Si dhiirran ayaannu ugu jawaabnay 'Habar Garxajis!' Dabadeed dagaal afka ah ayaa bilowday. Reer Shirdoonkii waxay warsadeen waxaannu doonaynnay, halka aan soo marnay iyo sida aan ugu dhiirrannay ee aan carrigooda u soo galnay, annaga oo u jeedna in beeluhu aanay heshiis ahayn. Si xushmad leh ayaannu intii aannu karnay ku jawaabnay, se wax wayn ku ma aannaan dheefin hadal macaani. Badwigii martisoorka xumaa wuxuu sheegay in imaanshahayagu uu ka dhiganyahay godka todobiyotobnaad ee Faalka, marti socota xilli aan ka dhicin Kalends kii Giriigga (bilowga bisha), si edebdarro ahna ugu adkaystay in uu ogaado waxa Harar na geeyay. Ugu dambayntii, dagaalyahan laba waran ku hubaysan ayaa yimi oo inta qaabbilay ku foorarsaday Yawmul Qiyaame oo uu gartay. Hadallo aan badnayn dabadood ayuu dib u noqday oo iska tegay. Dabadeed, Guuleed Dheere ayaa waxaan faray in in uu kooxda u tago oo ku yiraahdo marti ayaa ardaaga joogta doonaysa in ay tubaako siisato xig caano ah. Si qayaxan ayay u diideen taa, dagaalna waa ka sheegeen. Dabadeed hubkeennii ayaannu diyaarsannay, oo inta baal ka tusnay u bandhignay in ay is keenaan oo noo yimaadaan, bal in ay dhereg'naga dheefaan iyo kale ha arkeen e. Intii lagu gudajiray nasashadii ka dambeysay caraatan cariiqsiga leh ayaannu baqlaheennii kooraysannay oo kaga sii fuulnay caro tii ugu darnayd, annaga oo kor u habaarayna urdufyada fulayda ah ee aan garanayn qiimaha martida.

Saddex degmo oo Reer Gadiid ah oo isku xiga ayaannu tagnay, Xammaali na xataa dhibic biyo ah ka ma aanu helin reer xididki, oo waliba cayna waa loogu daray. Martisoor xumadooda wuxuu u aaneeyay in raggii waxgalka ahaa oo dhami ay Berbera jiraan, degmooyinkana aysan joogin waxaan ka ahayn dumar, carruur, madiidinno iyo xoolo. Dubayr markii si fiican loo warsaday wuxuu sheegay in uusan jirin ceel Buulaxaar ka sokeeyaa oo laga cabbo. Maadaama ay dad iyo duunyaba asqo joogeen, waxaan go'aansaday in aannu hore u sii soconno oo habeenkaa meel biyo leh gaarno. Marar badan ayaa xoolaha la joojiyay dhaqaaqi waa' darti. Ciribta ayaan hore ugu sii dhuftay, intii kalena, sida mararkaan oo kale ay hore u barteen, iyaga oo aan juuq oran ayay i daba galeen. waddadayadu waxay dhex martaa bannaan lagu magacaabo Banka Haadla oo ay meelo badan ka jaraan biyamareenno qoto dhaadheer, cutubyo teel teel ah oo Kulan ahina ka taagtaaganyihiin. Dayaxii ayaa soo baxay, se ilays duruuri daahday oo aan qummanayn ayuu keenay. Waxaa sii dheer, jidku noo ma caddayn, maadaama hagihihii oo daal la ildarani uu meel fog xagga dambe soo luudayay.

Habeenbarka abbaarihiisii ayaannu maqalnay cod farxadeed! Waa hugunka baddii oo meel fog ah. Haddii muusiiggaasi rejo na soo nibdaadiyay, hore ayaannu ugu sii durugnay, annaga oo faraxsan. Ugu dambayntii, Dubayr ayaa na hor galay, abbaarihii sagaal saac oo habeennimana waxaannu dix biyood ka helnay dhowr ceel oo biyo wiyeer ah oo aad u macaanaa, 15 saacadood oo harraad daran ah ka dib. Ka durduurasho maaddadaa ay roobab dhowaan da'ay biyadhigeen ayaa harraadkii naga ba'shay, meel aan sidaa u fogaynna waxaannu ka helnay kob caws adag oo gummud ahi uu baqalaheennii gaajo ka badbaadshay. Haddana, markii roob soo dhigtay ayaannu heeryooyinka hoostooda is duuduubnay, dabadeedna annaga oo aan dan ka gelin Reer Axmad iyo Reer Shirdoon midkoodna ayaannu sidii maydkii u seexannay.

Waaberigii, Janawari 30, ayaan kacay oo muuqaalka Buulaxaar indha'indheeyay. Cidla' ayay ahayd, marka laga reebo taallo wayn oo lafo caddaaday ah, waxa kaliya ee in meesha la degannaa tilmaamaya. Meeshani waayo hore waxay ahayd meel kobcaysa, waddada ay ku taal iyo colaadaha ka aloosnaa Berbera dartood. Guud ahaan, waxay ahayd degmo aqallo ah oo xoogaa daaro dhagax ah oo Carabi dhistay ay weheliyaan. Si ay ahaydba se, xeebtu waxay ahayd bannaan aan marso lahayn. Dabaysha Shimaaliga ah ee xataa dekedda wayn laga baqo halkan si xooggan ayay u kacsantahay. Sidaa oo ay tahay, meeshu waxay soo noolaataa marka kooxaha burcadda ah banka laga mari waayo. Ganacsatada colaadda necebi alaabta iyo dadkaba doon ayay soo saaraan, halka geelashooda dhanka khooriga laga soo wareejiyo.

Saacadu markii 12 maqrib gaadhay, ayaannu inta kooraysannay aayar xeebta baalqaadnay, si joogto ahna ugu hakannay bannaanka geedaha leh ee dixuhu jaraan. Duhurradii ayaannu badda ku mayrannay oo xaanida xoogaa fariisannay, dadkaygiina u ducaysteen fasax ay habeenkii ku maraan degmooyinka cadowgooda Reer Axmad. Codsigoodaan ugu dambeeyay si xikmad leh ayaa loogu gacansayray, oo haddii run la sheego, socod degdeg ahi markaan suuragal ma ahayn. Mid baqlaha ka mid ah xataa warankuna wadi waa, Xammaalina wuxuu ku khasbanaaday in uu kooraysto mid kale oo diif la dhaqaaqi la'. Dabadeed, waxaannu sii marnay bannaan ciid daadxoor ah leh, halkaa oo dhiiri sii labalaabay daalkii hayay xoolahayaga. Sagaal saac oo habeennimo ayaannu ku hakannay jaan caws ah oo ka hoosaysa fooca Dabasenis, kur ku taal kalabarka Buulaxaar iyo Berbera dhexdooda. Fiiqa sare ayaa la iga tusay wax socotada ka gariiriya, geed qodax leh harki oo Garxajis21 iyo saaxiibbadoodii Muuse Ciise (Ciise Muuse) u fadhiyaan sidii coomaadi, iyagoo halkaa ka ilaalaynaya waxay dilaan iyo wax ay dhacaan. Mayl kale haddii aannu sii durugnay, waxaannu nimi ceelal ay khasab nagu noqotay in aannu xoolaheenna ku nasinno. Halkaa markii aannu cantuugadii ugu dambaysay cunnadeenii ku laasannay ayaanu ka fuulnay, oo inta banka xagga bari u raacnay habeen oo dhan in aan socod ugu jiidno isu diyaarinnay. Markii cadceeddii liicday, ayaannu midigta ka marnay kur tabta miis u samaysan oo sida muuqata ah fullaac ka soo go'ay hoobadyada buuralayda ama sisiladda xeebta. Sheekooyinka maxalliga ah ayaa kobtaan lagu sheegaa 'Awliyo Koombo', buurtii awliyada. Waxaa la sheegaa in halkaa oo 40 Wali oo Carab ahi ku shireen, ka hor intii ayan carriga Soomaaliyeed kala aadin, si ay Islaamka u faafiyaan. Waxay ku taallaa qiyaasta lix saacadood oo socod adag ah, marka Berbera laga tago.

Habeenbarkii ayaannu la soo laabannay tuulada Buulo Faranji22, daliig yar oo dhul dhiri kaymaysay ah. Degmo ayaa hore u degganayd, maadaama ay biyo iyo caws badan leedahay, se markii aan soo marnay gebi ahaan cidla' ayay ahayd. Ilayska dayaxa ayaannu annaga oo sharqan la'a markii aannu xeebta la wareegaynay ku aqoonsannay degmooyin iyo xerooyinkii cadaowgayo Cayaal Axmad degganaa, mararka qaarna waxaannu kala aqoonsan karnay ci'da xoolayagooda. Weheliyaashaydii si aad ah ayay raynrayn ugu qosleen guusha ay ka gaareen xeeladdoodii,waana mid looga garaabo. Waxaa Berbera mar dambe na loo ku sheegay in xoolajire kaynta joogay uu na arkay oo in aan meesha marnay sheegay, halkaa oo Cayaal Axmad haaraameen ayaankii awoodda noo siiyay in aan dhulkooda dhex marno dhib la'aan.

Baqalahayagu socodku dirqi ayuu ku ahaa. Intii leeb la ganay gaaro marka ay socdaan ba dhulka ayay isla dhacaan, waxaan nadi ahaynna lagu ma kicinayn. Dabadeed, nasashada minqaadkii ugu dambaysay ayaa lagu dhawaaqay, markii aannu Berbera afar mayl u soo jirnay, Qiyaame iyo Guuleed Dheere oo dhacsaal ahaana hurdo ayay dhagxaanata dushoodii la dhaceen. Kooxdii oo dhan, Xammaali kaliya ayaa wax tabar iyo firfircoonaan ahi ku hareen. Ninkaa hargaantiga ahi waa sheekeeyay, heesay oo oriyay. halka kuwa kale ay dirqi baqalahooda ku fuushanaayeen, isagu boolaxooftadiisii dagaal ayuu cayaaray oo warankiisiina walwalciyay. Aad baan ugu farxay 'ninkarmeednimadaa.'

Markan daliig dheer oo madow ayaa ilikuwareedhayda ka soo muuqatay. Gabbaldhaca ayay si fiican u muuqataa oo mukulaha maraakiibtu ay ku soo baxaan isqabadka badda iyo cirka. Dabadeed, or farxadeed ayaa qof walbaa afka ku shubtay. Farxa ragow, farxa, wixii dhib aannu soo marnay naga hare e!

Yawmul Qiyaame ugu hoorrayn sharqanta hoose ee dareenka ayuu si taxaddar leh u dhegaystay. Wuxuu si xasaasi ah ugu faqay in aan la sharqamin, waa intaa oo cadow nagu toosaaye. Gacanyareyaashayda kale magan abbaan ayay ku lahaayeen Berbera, se isaga waa la necbaa, waxaana looga baqayay in uu wakiil u yahay Sharma'arke oo isaguna karaahiye la necebyahay ah, aniguna aan madaxiisa ku joogo. Dubayr si aayar feejignaan leh ayuu dhanka daanta koofureed ee magaalada hurudda naga wareejiyay oo tuurar lafo ah iyo dhidirro raqda aan nahda lahayn feenfeenanaya na sii dhex mariyey. Ugu dambayn, toos ayaannu u aadnay daantii ay deggenaayeen Reer Gadiidkii abbaannayada ahaa. Si aannaan sugan karin ayaan u waraystay in jaallayaashaydii kale ay magaalada ka tageen, war sanna waxaan ku maqlay in ay i sugayeen.

Markaa waxay saacaddu maraysay siddeed saac oo habeennimo, waxaana aan soo jarnay ugu yaraan afartan mayl. Soomaalidu marka ay col ka baqayaan masaafadaa awrta raran waxay ku mariyaan ilaa toban saacadood. Dabadeed waxaan ku degay aqalkii jaallayaashaydu ku noolaayeen. Soo dhowayn farxad leh, aqool bariid ah iyo koob khamri ah - ha ii qaban gacaliye Lumsdenoow, waxyaalahaasi waxay mayreen wax la'aantii iyo daalkii hore e. Adeegayaashii iyo gammaankii rafaaday ba waa la quudiyay. Dabadeedna, hurdo ayaan la dhacay, aniga oo og in aan gutay hawl culus oo sidii York la galay u dhiganta, diiwaannada taariikhda na waayo badan ku oolli doonta.

Mahadsanidin.

  1. Biinan lagu qurxiyay dhaldhalaal laftu dahab, qalin, maar, bir, dhoob iwm tahay oo badanaa labbiska xagga kore lagaga nabo, si ay isugu qabtaan meel loogu talagalay oo ay si fiican uga muuqdaan. – Tarjume
  2. Cunno (macmacaan Hindi), sida sambuusaha loo sameeyo se ka duwan qaabka oo noocyo badan leh. – Tarjume
  3. Quintus Horatius Flaccus, wuxuu ahaa gabyaa faraha looga gubtay oo Roomaankii hore ahaa. Tarjume
  4. Sanam sheeko-khayaaligii Girriiggii iyo Roomaankii hore lagu sheegay oo khamriga iyo marqaanka loo cuskan jiray. Magaca kale ee Dionysus [Dhaayanasis]-na waa la oran jiray. Tarjume.
  5. Sanamad kale oo iyana sheekooyinkii Roomaankii hore lagu sheegay. Waxay qaabbilsanayd beeraha iyo barwaaqada ka soo go'da. Waxaa waa dambe isna magacaa loo bixiyay meere cilin ah oo ah kan meertada qorraxda ugu dhow, wuxuu u dhaxeeya Mars iyo Jubitar. Tarjume.
  6. Gabyaa Giriiggii hore caan ka ahaa. Tarjume.
  7. Tixdan tarjumadeeda oo tii labaad (qofkii saddexaad) maraysa waa isku day uun ee maaha sidii ay dhab ahaan u tiil. Haddii la garan lahaa xarafka uu gabyaagu ka gabyay waa sahlanaan lahayd in la dhaweeyo. Tarjume.
  8. Piano iyo strepitoso waa laba cod oo qalabka muusigga ka baxa. Kan hore waa mid debacsan kan dambana waa mid sare oo qaylo u dhow. Tarjume
  9. Waa faraca labaad, sida Soomaalidu u kala baxdo. Odayga qabiilku ka soo jeedaa waa Awal, ina Isxaaq Al-Xadrami. Habar Awashu waxay degtaa xeebta Saylac iyo Siyaaro ilaa dhulka Bartire xudduudda la leh. Waxay hoos tagaan xukunka Garaad awoodda uu leeyahay ay maamuus uun tahay. Garaadkii ugu dambeeyay oo afar sano ka hor dhintay waxaa la oran jiray 'Boon', se wiilashiisii weli la ma duubin. Jilibka garaadku waa Cayaal Cabdillaahi, jilib xoog badan oo Buuraha Dabasanis ilaa Jigjiga agteeda taxan, Bancawska Maraareedna dacalka kala wareegta. Habar Awashu waxay u kala baxdaa lafo tiro badan; kuwaa mid ayaan ka tilmaami doonaa. Waa Soomaalida xeebta ee dadkeennu awal ba yiqiin. Ciise Muusuhu wuxuu degaa qayb ka mid ah Buuraha Berbera koofurta ka xiga. Mikaahiilku waxay degaan dhulka hoose ee xeebta Berbera ilaa Siyaaro. Laba lafood oo waawayn, Cayaal Yoonis iyo Cayaal Axmad, waxay degeen Berbera iyo Buulaxaar. Kuwaa marka laga tago, waxaa jira Cayaal Cabdillaahi Sacad, Cayaal Jircato oo Cayaal Yooniska dhex dega, Bah Goba iyo Cayaal Xaamid. – Burton
  10. Alaabadaydii laba bilood ka dib ayay Cadan soo gaadhay. Baqalkii Cawar looga soo tegay la ma arag, awrtiina waxaan u malaynayaa in ay weli Ciise dhex daaqayaan. Sheherezade dii casayd markii ay xoogaa xoolo ah urursatay ayay nafteeda wax ka beddeshay, Deenarzade na markeeda ayay ku dayatay. Cawar markii uu Cadan yimi dabadeed ayuu laabtay, si uu saaxiibbadiisii Saylac sheekooyin yaab leh oo dhaadheer oo dalmar ku saabsan uga dharjiyo. – Burton
  11. Polyphemus (Boolifimas) waa mid ka mid ahaa dad sheekabaralaydii Giriig-Roomaankii hore lagu sheego oo Cyclopes [Saykaloobis] la yiraahdo, wajiga bartankiinsa ayay, sida la yiri, il qur ah ku lahaayeen dadkani. – Tarjume
  12. Karkey dey [maradayda sii daa]. – Tarjume
  13. Kaafir waa eray meelo badan kaga qoran buuggaan. Asal ahaan waa Carabi macnahiisu yahay qof aan diin lahayn ama aan Muslim ahayn, gumaysigii reer Yurub se wuxuu u adeegsan jiray Afrikaanka madow, siiba dadkii ay ugu yimaadeen dalka Koofur Africa. – Tarjume
  14. Χαλου = halo (haalo), af Giriig. Waa muuqaal habka qaansaroobaadda u eg se goobaaban midabbo iyo qaabab kala duwanna yeesha. Badanaa, waxaa abuurmaa qorraxda oo ilayskeedu ka duso daruuro wiriqo qabow ah oo ka soke mara. Tarjume
  15. Sida xeerka ah, labiyotoban saacadood oo oommane qorrax kululi wehelisoah nin waa dishaa. Aniga waligay harraad sidaa u darani i ma helin. Markan se, sida ay u badantahay, waxaa isu kay helay oommanahaa iyo caafimaad xumo. – Burton
  16. Nooc dameerfarow ah oo waayo hore cirib go'ay. Qaarka hore daliigaha dameer farowga lagu yaqaan ayuu ku lahaa, inta dhexe daliigahaa oo khafiif ah ayuu ku lahaa, qaarka dambana dameerka caadiga ayuu uga ekaa. Farowgani waxaa lagu yiqiin oo ku dambeeyay dalka Koofur Afrika, waxaa dhici karta in Burton dameerfarowga Geeska Africa ee caadiga ah uu ka wado ama Gumburi Soomaaliga. – Tarjume
  17. Kaftan cawaaneed. – Tarjume
  18. Waa sand-grouse kii Masar, ama rock pigeon kii Hindiya iyo agagaarkeeda lagu yiqiin. – Burton
  19. Kahfi (cave) waa hul la galo oo buuraha gebiyadooda ka samaysma ama laga qodo, dad iyo duunyaba duggaal u galaan, sida gebigii ay galeen Asxaabul Kahfiga Qur'aanku sheegay Tarjume.
  20. Marin meermeer qalqalloocan ah oo Buuraha Alps la yiraahdo ee Swissra iyo Talyaaniga u dhexeeya isaga gudba, dhulka uu maraana aad u qurxoonyahay. Tarjume
  21. Habar Garxajis [Garxajis], ama curadka ilma Sheekh Isxaaq (oo ay ka mid yihiin dhasha 'Arab'), waxay degaan hoobadyada Berbera ka dambeeya, halkaa oo ay firiqsanyihiin ilaa meel dhawr caanamaal bariga carri Ogaadeen loo gaaro. Laftani waxay ka koobantahay jilbo fara badan. Ismaaciil Carre waxaa laga xulaa Suldaanka oo ah magac maamuus uun, sida Ugaaska Ciise. Waxay degaan inta u dhexaysa Maakhir ilaa koofurta Golis, waxayna tiro gaaraan ilaa 15000 oo gaashaan oo u sii kala baxa saddex lafood: Muuse Carre wuxuu degaa inta u dhexaysa Golis ilaa lagu geeyo carriga xeebta Majeerteen iyo Warsangeli. Isaaq Carre waxay tiro gaaraan 5000 ilaa 6000 gaashaan, waxayna degaan carriga buuraha Golis. Wiilashii kale ee Carre ( da' afaraad Isxaaq), waxaa ka mid ah Mikaahiil, Gambah [?], Daudan [?] iyo kuwo kale oo iyaguna lafo yar yar oo gooni ah noqday. Cayaal Daa'uud, oo lagu naanayso Ciidagale, ahna faracii wiilkii labaad ee Garxajis, waxay degaan dhulka koofur ka xiga Habar Awal. Waxay garaan ilaa 4000 oo gaashaan, waxayna u sii kala kala baxaan ilaa 11 ama 12 jilib. – Sida la soo xusay, Habar Garxajis waxaa colaad iyo aano joogto ahi kala dhexaysaa Habar Awal oo xataa Cadan ruuxeeda ay dhawr mar budhad iyo shiid iska la daaleen. Sidaa oo ay tahay, sidii ilma adeer is jecel ayay colka labadooda ba aan daynayn u midoobaan, sida Ciisaha. – Burton
  22. Magacan waxay kula baxday, sanadii 1852 ayaa lagu dhacay markab la oran jiray Mary Anne oo uu Ingiriisku lahaa. – Burton

Cutubkii 10aad: Berbera iyo Agagaarkeeda

Odhaahda Tifaftirka: Waa cutubkii 10-naad ee tarjumaadda buugga Sahankii Richard Burton, oo ka kooban 10 cutub, oo markii ugu horeysay la daabacay 1858. Buugga waxa tarjumay Boodhari Warsame. WardheerNews waxa ay aad ugu mahadnaqeysaa Boodhari oo xil aad u weyn iska saaray sidii uu ugu soo bandhigi lahaa bulshoweynta Soomaaliyeed buuggan taariikhiga ah ee Sahankii Richard Burton. Waxaan fileynaa in akhristayaashu ay ka haleen dhacdooyin badan oo taariikh ku leh dhulka Soomaaliyeed.

Aad ayay xiise u leedahay in hadda sida ay tahay la barbar dhigo wixii hore looga qoray carwadii weynayd ee Bariga Afrika.1

Bartema wixii uu qarnigii 16aad ka qoray 'Berbera iyo Jasiiradda Itoobiya' waxaa ku yiil qeexiddan kooban: "Markii dabaylihii degeen ayaannu shiraaca taagannay, wax yar ka dibna waxaannu nimi jasiirad lagu magacaabo Barbara, ninka meesha xukumaa waa Muslim.2 Jasiiraddu aad uma wanaagsana, se waa barwaaqo aad loo deggenyahay, hilib badanna waa ay leedahay. Dadka deggeni waa dad midab madow u dhow leh. Hantidooda oo dhammina waa lo xoolo."

Liutenant Cruttenden kii I.N. (Indian Navy) oo wax ka qoray 1848, sidan ayuu meesha ku sheegay: 'Carwo-sannadeedku waa mid ka mid ah aragtida ugu xiisaha badan xeebta, marka qabiilooyinka badan ee dhulalka fog ka yimidi ay bilaabaan in ay dhan walba u yaacaan. Intii aan qalcadihii3 Berbera la dhisin, meeshu ka Apriil ilaa bilowga Oktoobar gebigeedu waa cidla xataa kaluumayste qura aan laga helin, se durba marka xilligu is beddelo, qabiilooyinka dhulka shishe deggani waxay bilaabaan in ay dhanka xeebta u guuraan, aqalladoodana u diyaariyaan martida la filayo. Doomo yaryar oo ka yimid dekadaha Yaman aadna ugu han weyn fursad ganacsi inta ayan iman doomaha kale ee gacanku ayaa degdeg u soo gudba, dabadeedna waxaa ka daba yimaada, laba ilaa saddex toddobaad ka dib, walaalohoodii ka balballaarnaa ee ka yimid Masqad (Cummaan), Suur, Ra'sal Khayma, iyo Bagalooyin xammuul sida oo ka yimi Baxrayn, Basra (Ciraaq), iyo Graen. Ugu dambaynta, Baaniyaalkii buurbuurnaa ee ganacsatada maalqabeennada ah ahaa oo Porbandar4, Mandavie iyo Bombay ka yimi ayaa Koti-yadooda5 la soo gala. Iyaga oo tanagyo subag oo maran tiradana ka badan doontooda ku safanyihiin ayay jago rasmi ah ka cariirsadaan safka hore ee dekadda. Maalgashigooda sare, dhagartooda iyo galgalkooda xeesha dheerna isla markaba dadkii la tartamayay oo dhan ayay iska fogeeyaan.

'Xilliga carwadu heerka sare marayso, Berbera waa Baabil sax ah, sii ba is dhexyaaca iyo afafka kala duwan. Wax odaydhaqameed ah la ma dhegaysto, xeerarkii waayo hore ayaana sharciga meesha ah. Murannada qabiilooyinka dhulka gudaha ah ka yimi maalin walba waa ay dhacaan. Dadka dagaallamayaa inta meel xeebta ah oo magaalada wax yar ka durugsan isla tagaan, si aysan ganacsiga carqalad u gelin, ayaa waran iyo toorrey wax lagu xalliyaa. Xiriirro dhaadheer oo awr ah, badanaana ay haween kaliya wadaan, ayaa soo gala oo baxa maalin iyo habeen. Waxay taxanyihiin ilaa meel fog in magaalada ka durugsan, carruur madmadow sadcaal ku daalay oo mararka qaarkood la socdana waxay calaamad u yihiin imaashihii Kaafiladii addoonta ee Harar iyo Cifaat ka timi.

'Guraagada iyo Harariga addoonta ka ganacsadaa wuxuu Berbera kula kulmaa dhiggiisa ka yimi Basra, Baqdaad, iyo Bandar Cabbaas. Gadaabursiga cawaanta ah ee sida wacan halkii burukada madaxa ugu quruxsaday haragga idaad ee casna waxaa la arkaa iyaga oo baalal goroy iyo xabko si nabadgelyo ah wax uga dhaafsanaya Baaniyaanka hadal macaanaha ah ee Porbandar ka yimid ee xeel inta uu ka gaaray doontiisa ku dul nool. Duubkiisii oo haddiiba lagu arko shaki la'aan laga tuurayo inta xeraystay ayuu marba in yar badeecaddiisa soo dul saaraa darin duful ah oo xeebta ugu fidsan.

'Bisha Maarso dhammaandkeeda carwadu waxa ay ku dhowdahay in ay xiranto, doomo nooc walba leh oo afkaa jooga oo sinjaarro saddex ilaa afar isu la shiraacanayaa ayaa bilaaba safarkoodii ay meeshii ay ka yimaadeen ugu noqon lahaayeen. Doomaha Suuriga ayaa ah kuwa marka ugu dambaysa baxa, todobaadka ugu horreeya ee Abril marka la gaarana Berbera cidla' ayay mar kale noqotaa aanay muuqan wax tusaya in ay meel magaalo 20,000 oo qofi degganaayeen ahayd, marka laga reebo lafo geel iyo ido la qashay iyo qalfoofka aqallo yar oo si taxaddar leh xeebta loo tubay, si ay diyaar ugu ahaadaan sanadka soo socda. Subaac ayaa hadda fursad ay badda ugu soo dhawaadaan hela. Libaaxyo ayaa magaalada si caadi ah loogu arkaa, ilaa waqtiga kulaylaha si fiican loo dhex galo. Bishii Abril sannadkii la soo dhaafayna, todobaad uun ka dib markii carwadu dhammaatay, waxaan arkay saddex goroyo oo aayar xeebta lugaynaya.'

Asalka Berbera wax badan laga ma oga. Al-Firuzabadi6 wuxuu si male weyn leh u sheegaa in ay ku bilaabatay laba ugaas oo Ximyar-ta7 Koofur Caraabiya ka yimid. Abbaarihii 522 CD ayaa ciidammadii Anushirwan8 Yaman ka soo cayriyeen Xabashadii oo dib u caleemasaareen amiir Ximyari ah oo hoos taga Boqorka Beershiya. Sheeko dhaqameedku waxay sheegtaa in dekeddaa Furus, Carab, Turki, Gaalla iyo Soomaali uu mid ba mar qabsaday. Mustaqbalkeeda aakhirkana waxay u egtahay in uu sidii waa hore isu rogrogi doono.

Waqtigan hadda la joogo, waxa Berbera dufowga ugu wacan is colaadin hoose. Garxajis, curadkii Isxaaq Al-Xadrami, waxay qabsadeen silsiladda buuraha Golis iyo Wagar ee ku dhacda meel afartan mayl xeebta u jirta, halka Awal oo ah yaraankii ay isaga iyo faraciisii degeen dhulka hoose ee Berbera ilaa Zaylac ku siman. Lafahaa xooggaga badani waxay labaduba sheegtaan kastanka iyo faa'iidada dekadda, iyaga oo sabab uga dhigaya in ay si wadajir ah Gaalladii uga kacsheen. ha se yeeshee, Habar Awasha oo meesha haysata ayaa xaqaa isku keli yeeshay. Aano ayaa ka hurta halkaa, ganacsiga meeshuna wuxuu la wiiqmaa colaadda kuwii lahaa uun. Taa waxaa dheer, lafta Habar Awal colaad dhexdeeda ahi ka ma marna. Laba jilib oo walaalo ah, Reer Yoonis Nuux iyo Reer Axmad Nuux9 ayaa asalkii Berbera degay. Kan hore, in kasta oo uu ka tiro badanyahay, wuxuu kan dambe sannado dhawr ah u oggolaaday qaybsiga faa'iidada. Se markii Cadan Ingiriisku qabsaday oo ganacsigii qiime sii yeeshay ayay laftii tirada yarayd ka jafeen kuwii kale oo kaligood sheegteen in ay yihiin 'Abbaannada' martida ee xilliga carwada. Dabadeed, dagaal ayaa sidaa ku bilowday. Reer Yoonis waxay taageero ka heleen qabiilka Majeerteen10, Reer Axmad na waxay u yeerteen Garxajis, gaar ahaan jilibka Muuse Carre oo uu Xaaji Sharma'arke ka dhasay, taageeradiisana ku jabsheen oo ku cayrsheen Reer Yooniskii. Kuwaa oo Berbera ka yaacaya ayaa degay hulka Bulaxaar oo xiriirkoodi hore ee Hindida iyo ganacsatada shisheeye ku soo jiitay macaammiil badan. Se jidku ma xassilloonayn oo doomo badan ayaa lumay, 1847diina Soomaalida Ciise ayaa dhegta dhiigga u daray maatidii koytada ahaa, taa oo ku khasabtay in ay Reer Axmad heshiis la galaan. In kasta oo colaaddii sidaa ku dhammaatay, dhabta ah in ay taasi dhacday ayaa hurgumo aano kicisa noqotay. Cawaantan heshiisku waxba la ma aha, shaqaaqada ugu yar ee labada dhinac midkood ka dhacdana waxay noqotaa baaq colaad soo cusboonaatay. Sharraxaaddaa caajiska leh dabadeed, waxaan ku noqon doonnaa, gacaliye Lumsdenoow hawlahaygii Berbera.

Daal badan waa dhif in ay xigto hurdo dheeri. Markii cadceeddu soo baxday ayaan ku kacay codad dhaadheer oo ka soo fulayay duddo wajiyo madmadow iyo tuurar ciiro ah leh oo illinkii xiray, horena isu soo kakabinaya, si ay martidooda cusub u arkaan. Dadka Bebera wuxuu Dubayr ogaysiiyay in aan Buuraha Geri shan maalmood kaga nimi, waxayna ku dhaarteen in taasi ay suuragal tahay iska daaye aannaan xataa waligeen Harar il saarin. Markii imtixaankii aan iska jiray la iga qaaday oo aan ku guulaystay ayaan mundulkii jaalleyaashay ay ku noolaayeen ka tegay oo aaday in aan soo eego gacanyareyaashaydii iyo xoolahaygii. Kuwa hore dhoollacaddayn ayay la dhaceen; xilkii iska ride, Cayaal Axmad oo halkaa caro dibbirsan ka il hele, timir iyo bariis iyo shaah sonkor lehna ka dherge, waa maaddo kale oo niyadda dhista e. Waxay imminka rumaysteen in ay dhawr beri ku arki doonaan xaasaskoodii iyo reerayowgoodii. Ha se yeeshee, wajiga Yawmul Qiyaame waxaa ka muuqday walaac dahsoon. Mar kale ayay fulaynimadiisii soo ifbaxday, isaga oo ku faqay in naftiisu magantayda tahay. Baqalihii masaakiinta ahaa innaba si fudud loo ma baanan karin. Iyaga oo dhabarradooda koorayaashu ilaa lafta jareen ayay sidii bisado caraysan u foognaayeen, madaxa si murugo leh u laalaadsheen, feerahoodana waxa ka muuqday calaamado gudguduudan oo kati waran ku dhigtay. Inta in badda loogu soo mayro, faashado biyo qabow leh lagu duubo, si fiicanna loo quudiyo amray, ayaan u dhaqaaqay in aan banka Bebera soo indha'indheeyo.

'Hooyadii Caydha', sida ay Carabtu ku magacaabaan magaaladan, waxay u egtahay Zaylac. Magaaladu, haddiiba magacaa oo kale loogu yeeri karo waxan hadda ay ka taagtaaganyihiin uun xayn aqallo arradan oo raaro uskag badan leh, waxay darafta waqooyi kaga taal dhul suubaan ah oo si aan la dareemi karin uga soo foorara cagta kuraha Koofureed. Bahalnimada cawaantan caqligaabyada ah ayaa ku soo ururshay weynankeedii qiyaasta lix-meelood oo meel intii ay waagii hore la'ekayd. Ku dhowaad hal mayl ayaa dhulkan hadda cidla'da ah waxaa daadsan jajabka quraarado iyo maacuun dhoob ah. Jaahilnimadoodu waxay u doortay halkii carriga ugu xumayd. Xeer jajabku waa sharciga Soomaalida e, halkii aabbuhu ku dhaqmo ayaa wiilkuna ku sii dhaqmaa, sidaana wiilka wiilkiisu yeelaa. Koofurta iyo Bariga waxaa ka ah bannaanno-xeebeed xaani ah oo uu hir sare qaarkood ku soo rogmaday. Halkaa waxaa ku yaal ceelal biyo adag leh, qashinka iyo qarmuunkuna waxay meesha ka dhigeen wax dhab ahaan laga yaqyaqsoodo. Beryahan dambe, jiidda xeebtu waxay noqotay qabuuro ay ka buuxaan qabriyo inta ay lala'egyihiin tilmaamayso sheekada Soomaalida ee ah in carriga ay waa ku noolaan jireen dad aad u waawayn. Sheeko dhaqameeddu waxay ku magacawdaa Bandar Cabbaas (?). Xagga Bari ee magaalada ku dhow waxaa mara khuuriga barwaaqada Berbera ka dhiga. Jiid dheer oo cammuud iyo dhagaxnuuradeed samayska guud ee xeebtan ah ayaa dhererkeedu ka difaaca dabaylaha waqooyi. Ballaceedu waa qiyaasta 3/4 mayl, dhumucduna waa 6 ilaa 15 fathom11, ku dhowaadka Raaska maraakiibtu ku xirtaan inta ayan badda u gooshin. Dhabarka magaalada iyo meel ilaa toddoba mayl jirta waxaa dhaca Hoobadyaka hoose, iyo musduleed cuddoon oo dhagaxnuuradeed iyo dhagaxciideed ah. Dus lagu magacaabo Dus Malable waxa marka cimmiladu saafi tahay ka muuqata gidaarradii dhagaxdixeedka ahaa ee Wagar iyo Golis oo waa aalladda aneroid12 dheerarkooda lagu ogaaday in uu gaaro 5,700 cagood in ka sarreysa cabbirka simadka badda.13 Dhanka bariga ka xiga banka Berbera waxaa ka soo xeera kuraha Siyaaro, galbeedkana figaha dhaadheer ee Dabasani (?) ayaa soo koobta.14

Yaab ayay lahayd in aan ka fikiray iskhatalidda ay leedahay in Cadan aan halkaan ka door biday.

Carwada Afrikada Bari waxay leedahay cimmilo wanaagsan, biyo badan - barwaaqo 'marka aad Cadan soo degganayd uun si dhab loo mahadiyo', Maansuun dhexdhexaad ah, carrasan bannaan ah, marso aad u wanaagsan, iyo ciid waxsoosaar sare leh. Waa meel ganacsigu ku kulmo, wax la tartamaa waa yaryihiin, inta Caraabiya lagu kharashay fuundiyo baas dhagax iyo nuurad nuskeed ayaa dhulkan wada guryo, beero iyo dhir ka dhigi lahaa. Haddii Carlyle15 la xigto, Isha Cadmeed waa 'buur murugo leh oo kor u shareeran sidii Pisgah16 abaarsatay, foorrarradeedana ay ka muuqdaan kaliya cidla ciirsila', cammuud, biyo milix leh iyo qarfe.' Meesha la degganyahay waxay ku dhex taal 'Devil's Punch (B)owl17' sagaal bilood oo sannadka ka mid ah kulayl cabbur ah, Samun iyo duufaan-dhuleedna isu beddelaan, 'biqil, biyo iyo dhir midna ma leh.' Sidii Ibn Batuuta uu qeexay 500 oo sano ka hor, waxba ka ma baxaan roob la'aan darteed. Baalfallaadh halkan ku ma noolaan karo, iska daaye tuke ayaan ku baraarin18 - caafimaadkana aad bay ugu darantahay. Ciidan la'aanteenna halkaa waxaa iyana la mid ah lacagta aan ku khasaarinaynno, rajada guud ee Galbeedka Hindiyana laga qabana waa in bad gurtay oo dab ahi ay sidii Vesuvius19 ay mar kale raaskan xun u beddeli doonto hog weyn oo hulaaqaya.

Nasasho maalin ah dabadeed, waa jirka uun e niyada ma aha, Soomaalidii waxay isku haysteen Abbaannimo.20 Jaallayaashay ayaan u raacay in aan burbur xiiso leh oo magaalada agteeda ah booqdo. Sii socodkii, waxaa nala tusay cadad salfar iyo alum ciidi ku dheehantahay ah, dhulalka hoosana jaleelo iyo carmo aad cidina beerin ayaa ka baxayay. Markii aannu mayl u soconnay xagga koofur-koofur-bari Berberada maanta ka xigta oo aannu bannaan dhag ah u baxnay, waxaannu ugu tagnay wixii ka haray dhisme yar oo ilaa siddeed yaardi oo labajibbaaran ah, laba qolna loo kala gooyay. Sida muuqata, waa masjid. Qayb kor u yara kacsan waxaa ka muuqday calaamado mixraab, qaybta kale waxaa dhici karta in ay ahayd qabriga wali hadda baaliyoobay, ama waxaa dhici karta in ay qalcad ahayd laga difaaco balli meesha u dhawaa. Darbiyadu waa burbur dhagax iyo dhoobo lagu nabay sibir sidii dhagax u adag oo lagu barxay dhagxaan quruurux ah.21 Meesha agteeda waxaa ku yaal barkad yar oo aan dheerayn oo nuurad iyo dhagax la isku qasay ka samaysan, shan yaardi iyo toban yaardi la'eg, ay ka muuqato dhuun-biyood wali qaybi ka hartay, looguna talo galay in ay noqoto sida taangiga la dhaansado. Haddii aannu dhadhaabyadii kore qaadnay, waxaannu ogaannay in guduha ay ku ku wareegsantahay sulphate-kii nuuraddu oo ciid siqaysaana buuxisay. Dhumucdu waa ilaa 15 inji, qotada hoosena sagaal. Markii aannu konton yaardi xagga kuraha u raacnay ka dib ayaa raadkeedii naga lumay, dhagxaanta wixii fuqayay waxaa dhici karta in qabuuro loo guray, ciidduna waxaa dhici karta in ay qaybtii adkayd duugtay.

Baqalaheennii ayaannu fuulnay oo xagga koofur-koofur-bari iyo Buurta Dubaar22 qabannay. Sagxadda dhulka, oo sida ka muuqata siman, ayaa waxay kor u kacdaa 100 cagood maylkiiba. Meelaha badankooda ciid jilicsan ayaa ka sarraysa gawaan la moodo dhagaxnuuradeed iyo shacaabidhireed in la isku la kabbisay. Waxaa ka muuqday calaamad karad biyaxoor, dhagaxnuuradeed biyo qarqooreen oo sidii marmar u rasaysan, jajab dhagaxbaruur ah, dhagaxqarshi, dhagaxmadow, dhagaxdixeed, iyo dhagaxfoolkaan falliirro dhuudhuubanoo dhaadheer ah ayaa meel walba daadsan dhulka. Halkan iyo xaggoo ba karado kuraha ka soo rogmay ayaa khuuriyaal ka jeexay meelo shan ilaa lix cagood simadka ka hooseeya, jiq dhir ahina waxay ka muujinayeen safaf gunta dhexe ah. Dhirta oo aad ugu yar xagga xeebta darteed ayaa carriga ugbaad noqdaa. Markii xagga buuraha aan u sii dhawaannaba geedka Quraca noociisa Sarmaanku waa ku bullaalay, geedka Kulanku ctucubyo ayuu u baxay, Dhuurtuna xagga iyo xaggoo ayuy jiq isku baxday ka yeeshay. Wax ugaar ah ma aannaan arag, marka laga reebo dhowr cawl ah oo didaya.

Fuullimaad todoba ilaa siddeed mayl ah ayaa na geeyay gun qallayl biyamareen ah oo ay ka baxeen dhir doog ahi, dadkuna u yaqaannaan Dubaar Weyne. Jaantan dhulka ah oo ilaa mayl barki dherer la'eki kuraha ka sarreeya biyaha ka soo dhaca ayaa gala. Laasas fara badan oo afar ilaa shan cagood qodan duunyaduna biyo badan ka hesho ayaa bartamaha ku yaalla. Laasaskaasi, in kasta oo sagxadda kore ee dhulka ay ku yaalleen, waa ay gureen, halkoodiina waxay la caddaatay nitre wasakhaysan, biyuhu se macaan la iska cabbi karo ayay ahaayeen. Hal mayl haddaannu ku sii soconnay daanta koofureed dhagaxnuuradeed adag oo hollob leh ah, waxaannu helnay biyaqabtinka kale ee oo lagu magacaabo Dubaar Yar. Durdur biyo wiyeer qandaca ah leh oo dhulka gala ayaa ka soo hoobanayay kuraha dhulka ka sarreeya, dherer 400 ama 500 yaardi ah. Heerkulka dhulka kurta hoosteeda ah wuxuu ahaa 105.98° Fahrenheit (41.1°Celcius). Kulbeegga cimmiladu wuxuu isku taagayay 80°, qalabka aneroidkuna wuxuu sheegayay taag 728 cagood ka sarreeya simadka badda. Qararka durdurradaa ka shisheeya waxaa ka buuxay burburro masaajid iyo guryo ahaa waa. Waxaannu booqannay qalcad yar oo isha biyaha ka sarraysa. Jaranjarooyin ayaa laga dhisay, labada qol ee hooseeya waxaa laga jeebay buurta oo la qoday, dabaqa labaadna waxaa ka muuqday saddex qol. Alaabta lagu dhisay waxay ahayd dhagax la burburshay, qaabkuna wuxuu u ekaa guryihii Gaallada. Ha se ahaatee, waxaannu aragnay sibidh wanaagsan oo lagu barxay jay adag, quraarado jajabkood, iyo dhoob buluug lagu aslay, kuwaa oo ah alaabooyin aan hadda laga aqoon Afrika dhankeedan. Figta buurta ugu dheer waxay hagayaasahu nooga tilmaameen dhisme kale oo u eg kii qalcadaha ilaalada Turkiga ee Cadan. Markii aannu mayl rubuc la' ka soconnay Dubaar Yaar ayaannu helnay madaxa Dhuunbiyoodda Berbera. Waxaa, sida muuqata, la dhigay biyamareen taag hoose ah. Halkan ayuuy dhismaheedu kaga kan laga dhisay xagga xeebta agteeda, waxayna u badantahay in ay hawsheedu ahayd in ay biyaha soo riixdo ilaa ay hoobadka soo gaaraan. Taxeedii ayaannu sii raadgoobnay ilaa toban yaardi, halkaa oo ay ku libidhay ciidda hoosteeda, wax barkad kayd u egna ma aannaan arag oo aan ka ahayn balli qaab silloon leh23.

Maalmo yar dabadood, aniga oo uu i weheliyo Liutenant Herne ayaan u kooraystay in aan soo indha'indheeyo Biyo Guure. Markii aannu Berbera xagga koofur-bari ka soconnay qiyaasta ilaa toban mayl, ayaannu galnay dhul adag oo godan, durbabana waxaannu ku soo dhacnay dix qiyaasta 250 yaardi ballaca la'eg. Daamaha waxa ka baxay Brab (?), Dhuur, Qoome iyo dhir kale oo doog ah. Biyo saafi dhalaalaya ah iyo durdur aan qoto dheerayn ayaa jeexay saldhagaxa hoose, ilo yaryarna waxay ka kala baxaan sagxadda dhulka. Wabigan, biyashubka ugu weyn ee Oogooyinku wuxuu magaca ka wataa biyaha badan ee habeenka kordha, uumibaxa maalintana biyuhu hoos u degaan ilaa boqol yaardi. Waxaannu ogaannay heerkulkiisu in uu yahay 73° Fahr. (cimmiladu waa 78°). Ciidankayagii godad ayay ciidda ka qodeen, intii ay durdurka ka cabbi lahaayeen, taasoo caddaynaysa cabsi ay ka qabeen culaaculo. Biyuhu meeshu dhadhan wiyeer yalaalugo leh ah ayay ahaayeen.

Haddii aannu laba teed oo iskudhoon gaagaaban oo is barbar socda ah u sii raacnay Biyo Guure, waxaannu galnay karin ciriiri ah oo dhagaxnuurad iyo dhagaxciid ay ka buuxaan. Halbeegga dhaaracyadu waa qiyaasta 45° galbeed, ku kala aaddan waqooyi iyo koofur. Biyo ayaa ka soo qulqulaya dhaqax walba, xatabadaha dhagxa ah aad uga darrooraya, ciidda ka soo maaxaya, tuurkana kor uga soo burqanaya. Heerkulku aad buu u kala duwanyahay dhankan. Meelaha qaarkood biyuhu waa qabow baraf ah, meelo kale kulbeeggu wuxuu sheegaa 68° Fahr., meelo kalena 101°, halka ugu sarraysana waxay gaaraysay 126°, markii aannu booqannay. Midabbadu sidaa si la mid ah ayay u kala duwanyihiin. Xaggan, sagxadda sibsibta ee dhagaxciidka waxaa ku dahaaran dhado-baraf milix iyo nitre isku dhafan ah. Xaggoo, meel durdurku aanu socon, waxaa ku yaal balliyo midab cagaar madow-xigeen ah ama mirir-cas daxal u eg. Dhinacyada karikuna waa dhiin cas, geedsaar nooc sillon ah ayaa qararka ka soo laalaada, caleemihiisa dhalaalayana biyo ayaa ka gobo' leh. Gebiyada kore waxaa ku dedan cutubyo Mooli ah.

Gammaankayagii inta waardiye uga tagnay ayaannu bilownay in aannu tafno karinka adag ee qarka ah, kaa oo marka ballacu sii yaraadaba bilicda qurux miiran noqda. Qayb ka mid ah, babaca buur dhagaxnuuradeed boqollaal cagood dherer jeedda ah ayaa waraqa ku libidhay oo kalabar dhadhaabbo aad u waawayn tuumisay. Dhadhaabbadaa ayuu durdurka hugmaya oo hadda biyadhac yar lehi ku wareegaystaa, dabdeeddna halkaa ka sii siibtaan looxaan dhagaxyo balballaaran oo xalleefyo ah. Halkan waxuu jaraa khuuriyo, biyaqabatinno qoto dhaadheer oo nadiif, ah sidii barkado macmal ah dhagaxciidka dushiisa ku yaal. Halkaa wuxuu haddana aayar hoos u raacaa bed ciid saafi wirwirqaya ah. Kuraha sare waa midab hurdi ah, dhadhaabbada waawayni waa bayl cad, dulaha waxay ku sitaan geedaha daadxoorta ah ee uu keenay roobkii sannad hore. Inta roobka maansuunku jiro ee karadda xiimaysaa ay joogto uga soo gaddoonto Buurta Wagar, waraqani waa mid qurux dabiici cajiib ah leh.

Haddii aannu fuulintaan daal leh ka soo laabannay, waxaannu u nimi kuwo Reer Axmad ah oo barta Biyo Guure ka dhulgalo agteeda ka dhisaya qalcaddii yarayd ee dhagaxa ahayd ee goob-ilaalada meesha laga yaqaan ah. Tani dareen ayay ka dhalisay Berbera. Dhismahaa waxaa loogu talo galay in uu noqdo bakhaar badar lagu kaydsho, se cawaanta shakiga badan ee Muuse Ciise iyo Makaahiil oo dhulkan degaa waxay u arkeen isku day lagu khatar gelinayo. Ku sii socodkeennii guriga, waxaannu sii marnay goob qabuuro ballaaran oo qabriyadu aysan dayacnayn, dhismahoodana waxba ku gooni aha oo lagu garto aanu jirin. Sidaa oo ay tahay, Soomaalidu waxay ku adkaystaan in qaaruun iyaga ka horraysay ay lahayd qabriyada. Agtooda waxaa ku yiil burburro tinnaarro haddii la isu fiiriyo waa dambe ahaa, maxaa yeelay; jajab dhuxul ah oo cadad dhoob jajabay ahi ku qasanyahiin ayaa yiil, iyo raadka guryaha dhereran oo degaan ahaa qolalna u kala qaybsan. Wuxuu gurigu ka dhisnaa jaajuurka qorraxda lagu qallajiyo ee Aasiyada Dhexe yaqaan, halkanna dhif looga helo.

Burburradii haddii aan booqannay, wax Berbera igu sii hayaa waa ay yaraayeen. Magaaladii waxay noqotay meel aan loo adkaysan karin, kulka mundulka gudihiisa ka jiraa wuxuu ahaa xad-dhaaf, dabaysha iyo boorku waxay u xumaayeen si aan ka yaraysan Cadan, uskaguna sidaa oo kale. Sida caadada ah, daqiiqad firaaqo ah na la ma siinayn, Carab iyo Soomaaliba, iyaga oo u haysta in ay xaq u leeyihiin in ay iska soo galaan, gudaha farfariistaan, aad wax u dhugtaan, iska sheekaystaan, marka ay rabaanna iska baxaan. Ha se ahaatee, ka hor safarkii laabashada (Cadan) ayaa la iigu yeeray in aan xalliyo arrinta Abbaannimada. Xammaali dabcan soddoggi Buraale Nuux oo Reer Gadiid aha yuu u qoondeeyay in uu abbaan u noqdo Lieut. Herne iyo aniga. Buraale wuxuu noqday dhagarlow la soo baxay afxumo iyo khaa'innimo, carqalado badanna wuxuu hor dhigay qofkii uu u shaqaynayay. Sidaa oo ay tahay, caadadu ma ogolla oo Abbaanka sidii haweenay la ma xiri karo, Xammaalina shaqadiisa ayuu wuxuu ku mutaystay tixgelin buuxda. Dhanka kale, Xasan Jaamac, nin dhiirran oo ugaas u ah Reer Axmad, wuxuu igu la kulmay Cadan 1854, waxaana aan Abbaannimo siiyay fargashi. Intii aan Harar ku maqnaa, ninkaa waxaa xil ka saarnaa Lieut. Stroyan. Isla subaxii aan imidba aqalkii ayuu yimi oo fariistay, isaga oo waran gacanta ku sita, fargashigiina soo bixiyay oo ballanqaadkaygii sheegtay. Si dirqi ah ayaan ugu diidayfikirkiisa ah in hadiyadda loo siiyay safar wa hore loo dan lahaa, Xammaalina waa in aan isagana la niyad jabin. Jaamac wuxuu ku jawaabay in Abbaan weligi uu Abbaan yahay, Xammaali iyo tolkiisa ba uu necebyahay, Buuraale Nuuxna uusan wax heshiis ah la geli doonin. Waxaa arrinkii sii murjiyay, Lieut. Stroyan ayaa wanaag ka sheegay geesinnimadiisa iyo shaqadiisa. Markan wuxuu si anshax xumo leh ugu adkaystay dadka uu wakiilka ka yahay in uu dhan kale oo magaalada ah u rarayo. Tan waa ugu sabri weynay, taladaana waa ku diidnay.

Beryo ayaa muran ka dhex taagnaa dhinacyadii is hayay. Ugu dambayntii, waxaa la isla gartay in aan iskay Abbaan ugu dhex doorto shirka Odayaasha hortooda. Odayaashii xeebta ayay fariisteen, iyaga oo mid walbaa dadkii raacsanaa goobo furan oo gooni ah la fariistay, iyada oo dhammaan la wada kadaloobo, gaashaammo sita, warmana dhulkna qotomaan. Markii la ii soo cid diray ayaan goobbtii soo galay, aniga oo seef gacanta ku sita, oo inta fariistay ka war sugay iyagii. Markii yabaqii badnaa joogsaday dabadeed, ayuu Jaamac istaagay oo cod dheer igu wayddiiyay, 'Yaa Abbaankaaga ah?' Jawaabtu waxay ahayd 'Buraale Nuux!' Aniga se oo ogaa in ayan reer Afrikada Bari hadal yaraan qaddarin, ayaanan gefin in aan jawaabtaa baane khudbadaha caadiga ah aan ka dhicin oo Carabi ah daba dhigo. Dabadeedna, inta seeftaydi garabka u ritay ayaan shirkii degdeg uga tegay. Guul ayay ku dambaysayarrintaa. Saaxiibbadayadii coldoonnada ahaa waxay fadhiyeen duhur laga soo bilaabo ilaa qorraxdu ka dhacday. Markii aannu cashadii laasannaydabadeed, ayuu mid iyagii ka mid ahi war san oo 'shir nabadeed' ah keenay. Jaamac ayaa Buraale ka codsaday in uu ku dhaarto in uusan wax cuqdad ah ka qabin haddii uu kala wareego qof isaga loogu ballanqaaday. Buraale waa dhaartay, mar kale ayaana saytuunku24 ka dul babbaday ragkarmeedyadi Berbera.

Febraayo 5, 1855, ayaan inta jaallayaashay ka soo tegay soo fuulay Al-Kasab, sidaa ayay doontayadu magac bacaw ah u lahayd e, iyada oo farxad aan qarsoonanyni ka muuqato Xammaali, Guuleed Dheere iyo Yawmul Qiyaame oo u qaadan la' sida ay Berbera uga baxeen iyaga oo bed qaba25 Haddii aannu xagga xeebta u sii dabayshannay, duhur hore ayaannu soo gaarnay Siyaaro, meel lagu yiqiin in maraakiibtu ku kulanto oo ilaa 19 mayl bariga kaga beegan Carwada (Berbera). Marsadu xagga waqooyi waa u furnayd, teed dugsoon oo dhagaxnuuradeed dhadhaabbo ahina wuxuu ka caabbiya dabaylaha waqooyi-bari ka soo dhaca. Jaan dhul bannaan oo ciid ah ayaa magaalada hantideedii oo dhammi ku taal. Waa laba guri oo dhagax iyo dhoobo ah oo mid uu wali qabyo yahay, kan kalena uu soddon sano ka hor dhisay nin Faarax Binni (Biin?) la yiraahdo oo ugaas u ahaa Makaahiil. Ilaa dhawriyotoban badawiyiin warmooley ah oo Makaahiilka degmada deriska la ah ayaa sidii saf tukeyaal ah xeebta u kadkadaloobsaday, si ay noo qaabbilaan marka aannu doonta ka soo degno. Si hadal kulul ah ayay lacag nooga dalbadeen, hadii aannu rabno in aan ka cabno ceelasha oo hantidooda ugu muhiimsan ah. Aniga oo aan doonayn in aan Bebera agteeda cid ku la murmo, ayaan aniga oo maanka kuy haya wixii ku dhacay Burckhardt26 oo markii uu ku guulaystay in uu soo xajiyo dabadeed loo diiday in uu booqdo qabrigii Haaruun ee Siinay ku yiil, ayaa waxaa isaga oo ordaya yimi badwi, si uu noogu sheego in meel walba sidii aannu doonno u mari karno. Isaga iyo jaallayaashiba wuu u cudurdaaray, isaga oo lamahuraannimo cuskaday, caatadiisuna waxay marag u ahayd cudurdaarkiisa.

Ceel weyn ayaa ku ag yaal derbiga bari ee guriga la degganyahay; qiyaasta 18 cagood ayuu qodanyahay, saddex-meelood oo meel ayaa dhulka ku aasan, labada kalena waa dhagaxnuuradeed, guntana waxaa fadhiya biyo yar oo macaan nadiif ah. Agtiisa waxaan ku arkay barkado burburay oo malaas wanaagsan laga dhisay, sidii burburradii Berbera. Ceelka kale wuxuu ku yaal ilaa mayl barki meel xagga waqooyi ka xigta kan hore, isagana waxaa laga qoday qar dhagaxnuuradeed ah.

Dhawr yaardi meel ka xigta dhismaha waqooyi-bari waxaa ku yaal Furzah ha (Furdada?) ama aqalka kastanka oo xeelyarida dhismihiisu uu igu shukaaminayo in aan qeexo: waa kob afargees ah oo lagu meegaaray xero dhagxyo yaryar oo tuuran ah, masjid la'eg oo sallax dhagaxshacaabi yuuban oo xagga jihada Maka qiblo ku leh ah. Taag yar oo isaguna dhagax ah oo xagga waqooyi xiga, waxaa ka taagan derbiyo burburay oo weheliyeyaashaydu ii sheegeen in uu dhisay Faranji dhulka ka iibsaday Makaahiil xeebtaa xun degay. Haddii aannu ka tagnay badawidii oo qalbiyadooda ay xoogaa hadiyado yar yar ahi farax geliyeen, waxaannu sii wadannay u gooshiddayagii xagga la simanka xeebta. Subixii xigay ayaannu soo marnay laba haram oo dhagaxmadow jajabay ah laguna magacaabo Dabada Gumbar Madow. Maalin daal badan shiraacashadeed oo 20 mayl 24 saacadood lagu soo jaray, ayuu naakhuudihii Al-Khasab nagu dejiyay khoori galbeedka ka xiga Ceeldaraad. Dhawr doonyood oo kuwa idaha qaada ah ayaa ku xirta (deked macmal ah) sida caadada ah marka baddu ka kacsantahay marsada weyn, shaqaalihii doontuna waxay noo sheegeen in ciidan badawiyiin ahi ay duullaan ku soo yihiin tuulada. Cabdi Maxamad Diban (Deebaan?), hayaha Qalcadda Ceeldaraad ayaa dabadeed isku magacaabay in uu Abbaan ii yahay, Berberana uu ku soo haray, aniguna raggaygii ayaan hubeeyay oo inta naakhuudihii Khasabka ku amray in uu doontiisa soo dhoweeyo waaberiga hore u degdegay oo u lugeeyay saddexda may l ee naga xigay meesha. Qalcaddii haddaanu nimi, waxaannu ogaannay in ayan addoomihii Cabdi waxba ka ogayn duullaanka la sheegay. Si ay ay ahaata ba se, si fiican ayay ii soo dhaweeyeen, waxayna keeneen casho waxa kaliya ee ay haystaan ahayd oo ka koobnayd timir dhadhan xun iyo areerin. Annaga se oo aan doonayn in aan kaydkooda yar wiiqno ayaannu aniga iyo Xammaali gacmaha uun darnay cunnadii. Guuleed Dheere iyo Yawmul Qiyaame iyagu dhakhso ayay saxammadii u dhaariyeen, iyaga oo cay ku tuuminaya cunnadan baas e aan dhuunta ka degayn. Cashadii ka dib, muran ayaa ka dhex dillaacay Xammaali iyo mid ka mid ah Habar Toljeclada dhulka degta. Badawigii oo aan araggayga jeclaysan ayaa sheegay in uu sidayda ba waran iga dusinayo. Xammaali ayaa taa ku diiday oo u sheegay haddii uu sidaa yeelo in isna u daba marin doono waran la mid ah. Muran dheer ayaa bilowday, intii dhegaysanaysayna waxay maad ka dhigteen sida aanan dan ugu gelin oo dheg jalaq ugu siinayn. Markii uu heshiis ku dhammaaday (murankii), sidii aan filayay, ayaa addoomihii gogol ku dul fidiyeen jiimbaar Berberaawi qallafsan ah, oo inta haddana maaddii dartii gufaaco qosol ah ka wareegeen iga tageen, si aan u seexdo. Waxaannu dabadeed cunnay ugu yaraan neef ido ah maalintiiba, hilibka moofada doonnida lagu dubaana Soomaalida waa u macaan. Casho kale ayaa dooni ka harsanayd, taa oo malaha saamayn ku yeelatay maanka gaaban ee naakhuudaha Khasabka.

Subaxii haddii aan soo toosay, dibedda ayaan u baxay, aniga oo meel tuuryo gaadho ka filayay doon, ka ma se ay muuqan meelna. Abbaarihii laba saac oo subaxnimo ayay ilikuwareedhayda badda ka soo muuqatay dhibic yar, intii ay soo dhowaanaysayna degmada ayaan sii indha'indheeyay.

Ceeldaraad, meel aan loo xiisin oo dhacda jihada bari-waqooyi-bari, Berberana 40 mayl u jirta, waa marso yar oo loogu xisho guud ahaan biyaheeda oo aan ka dhicin kuwa Siyaaro. Barroosindhiggeedu ma fiicna. Shimaalka ama dabaylaha waqooyi safaf dhaadheer oo hirar culus ah ayay ku soo xaaqaan marsada furan, guntuna waa tuur dhagax adag iyo shacaabiciideed isugu jirta. Kontonka aqal ee qorraxdu gubtay dabayshuna basaasisay waxaa laga dul dhisay kur bataax iyo dhagxnuuradeedka caadi ah dushooda ku taal. Markaa aan booqday raggii oo idili waxay u qaxeen xagga Berbera. Guud ahaan waxay magaaladu ku tiirsantahay ka gancsiga addoonta, Carabta oo door bidda awgeed in ay badeecadooda nool ka rartaan meel ka fog carwada weyn27.

Lieut. Herne markii uu booqday wuxuu suuqa ugu tegay tiro badan oo 'dahab madow' ah. Qalcadda Ceeldaraad ee uu 30 sannadood ka hor taagay Maxammad Deebaan waa guri dhagax iyo dhoobo ka dhisan oo afargees saqaf fidsan leh ah. Daaqaduhu waa meel sare, hawaysi tagxeello uu qaabkeeda fahmi karo uun Vitruvius28-kii dhisay, marka laga reebo hal daar-ilaalo yar oo xagasha waqooyi kaga taal.

Ceel ma leh, xaynta guryaha ahina waxay ku urursanyihiin meel derbiyada u dhow. Shanta buntukh ee meeshaan uu dhigay Sharma'arke markii Bebera laga soo caryshay, waxay qotomaan meel qalcadda bannaankeeda ah oo aan si fiican loogu meel dayin in ay carronade29-yo calculus xajin karto. Kanooniyo loo ma keenin (rasaas), taasi se waxba ka ma aha meel shiidad ka buuxaan. Waxaa sii dheer, addoomaha Cabdi si fiican ayay waxay ugu hubaysanyihiin buntukhyo iyo baastoolado, badwiyiintii Toljeclana30 waranka waxba kaga ma qaadi karaan derbiyada dhagaxa ah. Magaalo-askareedda meesha deggan waxaa dhow mar xayiraad ku soo rogay deriskeeda dhibka badan oo xooggoodu aanu soo dhaafin qacda hore.

Si sabir la'aantayda loo dejiyo ayaa dhawr guri la iga casumay, si aan caano ciir ah u dhamo. Farxad dhagaraysan ayaan la kala badbatay, markii duhurradii uu soo dhigtay naakhuudihii Khasabka ee Machiaveli31-ga ahaa oo haleelay in uu baroosinka u dhigo, ka dib markii uu doontiisii waalnayd soo dhex jiirsiiyay bad ay Shimaashu xeebta ku harqinayso hirar qalqaloocan oo xoor dafaha ku leh. Xeebta ayaan istaagay, aniga oo huuri aan doonida ku gaaro u gacanhaadinaya. Sidii aan rabay loo ma dhaqaaqinee raggannimadu ahayd. Ugu dambayn, abbaarihii 7 saac oo duhurnimo ayaan doonta dheeggeeda sare isku hubsaday.

'Dawir al-farmaan' (farmaanka roga!)' ayaan ku dhawaaqay, cod sidii onkod ah.

Jawaabtu waxay noqotay yabaq guud oo la is la dhex yaacay. 'Dhabtii bad sidan ah ku ma ku safri doonaa?' aya is wayddiiyeen naakhuudihii iyo wehelladaydii oo gariiraya. 'Wuu ku safri doonaa!' ayuu Xammaali si kulul oo ay weliso madax gilgilid ugu tiraabay. 'Dabayl baa dhacaysa -' ayuu Ra'iiskii ku cawday. 'Haddii dab dhacayana?' ayuu Xammaali isaga oo jilaya waydiiyay, taa oo macnaheedu yahay balada Faranji madax adag uu dhigo meel laga galaa ma jiri doonto.

Nooc baroorgeeriyaad ah ayaa cirka isku shareeray, intii uu socdayna si aan qosol aan waqtigiisii joogin u qariyo ayaan galay khan weyn oo doonta salkeeda ku yaal oo 'shirka' lagu magacaabayay. Halkaa ayaa dhegahaygu ka maqlayeen calaacallada codsiga ah ee shaqaaluhu ku doonayeen in maalin uun la baaqdo. Dabadeed, mid ka mid ah ciidankii qalcadda oo uu weheliyo naakhuudihii oo gariiraya, sidii qandho hayso, ayaa goostay guuto cammaaryaley ah dumaan iyo in ay la yimaadaan erayo naar ah oo maskaxda adag ee Faranjiga wax ka beddela. Ha se ahaatee, afka ka ma dhammaan erayadii ugu horreeyay, markii si ciyaar ah inta guudkiisii weynaa la qabtay oo la qaaday shirkii shukaanta dibadda looga soo saaray oo sidii jawaan buskud ah dheegga sare loogu tuuray.

Talo faro waa ka baxday imminka. Martidii oo dhammi badda ayay isku tuureen - waa sida dadku uga degtaan maraakiibta Bariga Afrika e, baroosinkii ayaa loo dhigay, shiraacii tan ah la furfuray, Khasabkiina waxay bilowday in ay si xoog leh u dhex kacaadegto badda dhanaanka weyn, sidii alderman polka32 ciyaaraya.

Noloshayda markii iigu horraysay ayaan waxaan arkay Soomaali cunno cuni waayay, oo kaaga darane cuni waayay hilib idaad. Maanyow iyo aragagax aan loo baahnayn ayaa naakhuudihii, shaqaalihii iyo rakaabkiiba noo naceen dhamaan idihii la moofeeyay, saddexdeennii oo aan il cawro rumaysnaynna waxaannu bogaadin whehel leh ku cunnay hilibkii, madax laga bilaabo ilaa majo. Habeenkaa mawjaduhu waa naga sarreeyeen.

Yawmul Qiyaame wuxuu iku mashquuliyay in uu ku dheeraysto ducooyin gaar ah oo loo yaqiin in ay badda kacsan dejiyaan. Wuxuu joojiyay markii Guuleed Dheere tusay in duufaan waalani na daba socoto, sidii ay ku jeesjeesayso, mar walba oo uu aad u duceeyaba. Naakhuudahii oo ardaal la yiqiin ahaa, beriigana lagu yiqiin tixda dareenka haweenka iyo ragga laga mariyo iyo dumar jacayl, si kal iyo lab ah ayuu u tukaday, waxaana ku soo biiray dhowr shaqaalihii ah oo sida muuqata wanaag ka dareemay camalkaan suubban. Habeenbarrki marka ay ahayd ayaa Sultan al-Bahror (Suldaan al-baxuur) Boqorka badda, nooc nibiri ah, meel noo dhow ka muuqday. Maadaama xayawaannadaas ku caan yihiin geddinta doomaha, aragtidiisii ayaa qaylo argagax iyo hooris adkaar diineed ah laga qaaday.

Subaxii Jimcaha, Janawari 9, 1855, ayaannu ka soo kudnay meel ku beegan Jabal Shamsaan (Shaanshaan), figta ugu dheer folkaane bureedka Cadan. Intii aanu habeenku dumin ka horna waxaa farxad ii ahayd in aan mar kale arko wajiyada saaxiibbo iyo jaalleyaal aan muddo is moogayn.

  1. 1567 (sanadii saldanadii Saylac la jabshay) Lopez Suarez ayaa caabbi la'aan qabsaday. Dadkii degganaa markii ay carareen ayuu sheegay;'Magaalada Barbora [Berbera] ee Saylac u dhow, waa meel aan ka duwanayn se aad uga yar'. [B]
  2. Ma malayn karo waxa Bartema uu u go'aansaday in ay 'Barbara' jasiirad tahay oo aan ka hayn kaliya in uu adeegsaday erayga 'insula' [jasiirad: dhul biyo kaga xeeranyiinh dhan walba] halka ay ka ahayd 'peninsula'[ nus-jasiirad: dhul dhinacyo biyo kaga xeeranyihiin se dhinac ama ka badan berriga kaga qabsan]. Magaalada, marka baddu aad u kacsantahay, daad ayaa soo gala,. Sadcaalaha hore, sida muuqata, berriga ayuu ka hadlayay. [B]
  3. Waa afarta qalcadood, nooca martello, [qalcado gaagaaban oo badanaa xeebaha laga dhiso], oo halka magaalada cariishyada ahi ay hadda ku taal uu Xaaji Sharma'arke ka taagay. Wuxuu halkaa dejiyay soddon askar Carab iyo Afrikaan isugu jiray oo buntukhyo sita. Hadda waa burbureen oo waxaa lagu burburiyay Amar Cadan ka yimi. [B]
  4. Magaalo xeebeed ka tirsan Gobolka Gujaraat ee dalka Hindiya. Waa halkii uu ku dhashay Mahatma Gaandi. Mandavie iyo Bombay iyaguna waa isla magaalooyin kale oo Hindiya ah. [T]
  5. Bagala [baqaala] waa doon ganacsi Carbeed, Kotiyada waxa laga leeyahay Xeebta Waqooyi ee Galbeedka Hindiya. [B]
  6. Abu-al-Taxriir Ibn Ibraahin Majdu al-Diin al-Fayruzabadi ( 1329 – 1414). Dalmare iyo jugraafiyahan Carbeed oo asalkiisu Faaris ahaa. Waxsoosaarkiisii qoraal waxaa ka mid ahaa oo aad loogu xusuustaa Al-Qaamuus Al-Muxiidh. [T]
  7. Boqortooyadii Ximyar ee Yaman ka talin jirtay 110 CH – 520 CD. [T]
  8. Anushirwan Khan (Anūshīrvān Khān): wuxuu ahaa boqorkii saldanada Ilkhanaan ee qaybta ka ahayd xukunkii baahsanaa ee Mongoolka. Wuxuu talinayay muddadii u dhexaysay 1344 – 1357. [T]
  9. Yoonis iyo Axmad waxay ahaayee walaalo ilmo Nuux ah. Sagaal ayay Isxaaq Al-Xadrami ka tirsadaan. Kan hore afar wiil ayuu dhalay, Xoosh Yoonis, Gadiid Yoonis, Maxamuud Yoonis iyo Shirdoone Yoonis. Faracooda waxaa dhammaan loo yaqaan Cayaalka ama dhashii Yoonis. Cayaal Axmad Nuuxu waxay degaan dhulka magaalada ku qabsan ee Hoobadyada u foorara, Ciise Muusahana waa is dhex degaan. Mikaahiilku waxay sheegtaan dhulka Bari ee u dhexeeya Siyaaro ilaa Illanti. Waa dooxo dhir leh oo biyo wanaagsan laga helo, marso aan u wanaagsanayn doomaha naah. [B fn.]
  10. Waxay aad ugu badantahay in gurmadka Majeerteenku xagga badda oo ay ku xooggaanayeen ka yimid, illeen degaan ahaan goobta ka ma dhawa, inay intaa dhulku isu jiro soo mareenna waa mid aad u adag! – Cilmibaare Axmad I. Cawaale ayaa mudan mahadda soojeedinta iyo xusuusinta arrintan. [T]
  11. Halka fathom wuxuu u dhigamaa 2 yaardi, ama 6 cagood, ama 1.830 mitir. [T]
  12. Aaladaha lagu cabbiro inta shay dhulka ka sarreeyo, siiba kuwooda aanan dareeraha sida meerkuriga iyo waxa la midka ah adeegsan ee qallallan. [T]
  13. Waxaa cabbiray Lt. Herne oo qoray in ay 'dayrta qabowdahay, sida geedka dayibka ah ee meesha ku yaallaa caddaynayo, diraacdana uu qaboojo Maansuunku. Waxaa ka buuxa ugaar, digiiran laga bilaabo ilaa maroodi. Buurtani waxay ku fiicnaan lahayd Sanatorium [isbitaal, siiba kan qaaxada lagu daweeo]'. Nasiib darro, Golis waxaa dega Habar Garxajis, Ciise Muuse, dhagarqabeyaal. [B]
  14. Carriga Soomaaliyeed dhinaciisani waa banan ciid ah, geed qodxeed teelteel ah leh oo ay ku xeeranyihiin labada Oogo, tan sare iyo tan hoose. Labadaa tan dambe, oo ah buuraha xeebta ku dhereran, waxay ka soo bilaabataa Tojorre, waxayna taxantahay ilaa Karam (dhigta 46° Bari), halkaa oo ay ku kala qaybsamaan. Masaafada ay xeebta u jiraan waa kala duwantahay, waa na inta u dhexaysa 6 ilaa 15 mayl. Dhererkoodu waa 2000 ilaa 3000 cagood. Korkoodu waa qallayl aan dhirta caadiga ahi ka bixin oo ciiddii roobab ka mayreen. Oogooyinka sare waxay xeebta u jiraan 8 ilaa 40 mayl, waxayna dhererka u dhexeeyaan 4000 ilaa 6000 oo cagood. Waxaa aad uga baxa dhirta fooxa, beeyada iyo dayibka. Waa taagga babacda derbiga la moodo ee badda xigee xeera carriga gurada ballaaran ah ee xagga gubanta u fidsan. Dhanka waqooyi, waa kan xeebta xiga e, waa taag togan oo figta sare ay wareeg tuubbaysan oo aayar dhanka koofureed u roganta tahay. Jihada guud ee ay u kala dhacaani waa Bari-Waqooyi iyo Galbeed-Koofur. Waxaa iyaguna jira saddexa fiiq ee buuraha 'Ourat' [?] loo yaqaan oo iyagu xagga waqooyi u jeeda. Qayb walba oo bananka teedadkaa buuraha ah u dhexeeya ahi magac degaanka looga yaqaan ayuu leeyahay. Waxaa ka mid ah 'Dooxa Shimbiraale' oo galbeedka ugu fida, laga bilaabo buurta goonida u taagan ee Dimoli [Dhaymoole] ilaa lagu geeyo Geuli Dinanjir [?] iyo Gularkar [geel-loo-kor?] Maadamma ay dixo badan oo roobabka mansuunka karado biyo ah ka soo rogaa ay jaraan, waxaa ka baxa geedgaab qodaxley ah, barde, dacar iyo tiin kala jaad ah. [B]
  15. Thomas Carlyle ( 1795 -1881 ); wuxuu ahaa macallin, qoraa, taariikhyahan Scotland u dhashay. [T]
  16. Mount Nebo / Fasga / Jabal Siyaagah: waxaa la rumaysanyahay in ay tahay buurtii uu Nabi Muuse (n.k) uu Alle kula kulmay. Wabiga Urdun ayay bari ka xigtaa. [T]
  17. Dhul godaan bohol ballaaran oo kor ka furan ah. Dhul sidaa u eg oo Surrey, carriga Ingiriiska, ku yaal ayaa magacaa la yiraahdaa. [T]
  18. Tijaabada waxa qaaday sarkaal Bombay ka keenay xayn baalfallaadhyo iyo tukeyaal ah. Kuwa hore waxay u le'deen scorbutic [scurvy: cudur nafaqo la'aanta, laga qaado siiba tan milixa iyo borotiinka] ayaan filayaa; kuwa dambana waxay ku sii joogeen nolol aan farxad lahayn oo haddii ay kuwii yaryaraa in ay meesha ka baxeen ay arkkeenna iska diiday in ku sii noolaadaan sidaa xilka leh. [B]
  19. Buur foolkaane caan ah ka qarxo oo ku taal gobolka Naples ee dalka Talyaaniga. [T]
  20. Abbaanku hadda waa sida cayayaanka Bebera. Doomuhu inta aanay baroosinka dhigan ka hor, ama dhab ahaan aanay ba Raaska la soo laaban, dud Soomaali ah sidii kaarigii hudheellada u degdegaya ayaa la arkaa iyaga oo xeebta dhinac ordaya. Waa ay u dabaaltartamaan doomaha, kan ugu horreeya ee soo fuulaana wuxuu warsadaa magaca abbaanka. Haddii aanu jirin, wuxuu taabtaa naakhuudaha ama shaqaalaha mid ka mid ah oo uu sidaa isgu qoraa Abbaan. Alaabta la soo dejiyo ninka sii gudbiya ayaa wakiil ka ah. Habka dallaalku hadda wuxuu noqday mid murugsan. Waagii hore qiimuhu wuxuu ahaa laba baac oo marada suufka bullugga ah ee Sacuuda la yiraahdo. Taa hadda waxaa loo rogay afar beesadood oo lacag ah. Doollarka ayaa ah lacagta ugu mudan, rupeegana waxaa lagu qaataa qiime jaban. Ganacsatadu waxay bixiyaan hadba heer, kan ugu hoseeyaa uu yahay 1% laga qaato ganacsatada Masqad iyi Suur. Ganacsadaha ayaa cunnada Abbaanka qaba, marka xilliga carwadu xirmana wuxuu siiyaa go', kabo saandal ah iyo lacag ilaa lix doollaro ah. Baaniyaalka maalqabeenka ah iyo Mehmaandiyadu [Mehmand, gobolka Chhattisgarh ee Hindiya] waxay siiyaan cunno iyo dhar, inta ayan ambabixinna 50 ilaa 200 oo doollar. Ha se ahaatee, dabaqaddani faa'iido badan ayay helaan oo dhawr doollar ayay badawida daymiyaan marka Carwadu dhammaato, waxayna ku xiraan in ay iyada oo sentiba senti saaranyahay ay dib u helaan marka sanadka xiga ay furanto carwadu. Sadcaalayaasha aan ganacsiga u imani waa in ay abbaanka quudiyaan, se ku ma khasbana in ay lacag siiyaan. Dabcan, Soomaalidu fursad walba ayay kaga faa´iidaystaan Yurubiyaanka koytada ah. Mr. Angelo, ganacsade Sansibaar ka yimi, ayaa laba sano Buulaxaar degganaa. Dallaalkiisii oo lafta Gadiid Axmad ahaa iyo Carab weheliyay waxaa la yiri waxay ka dhufsadeen ilaa 3000 doollar. Sida xeerka ah, Abbaanku wuxuu leeyahay 1% iibsashada iyo iska iibintaba, addoomahana laba doollar ayuu ka qaataa madaxii. Bundad walba oo dhar ah doollar barki ayaa laga qaataa. Xabkaha iyo bunka dallaalkoodu waa 27 kii rodol ba mid. Hargaha geela midkiiba doollar iyo bar ayaa laga baxshaa, hargaha idaha iyo riyaha afar beesadood, subagguna waa qiyaasta 1%. Lt. Herne wuxuu xisaabiyay 2,000 oo doollar in ay dhantahy lacagta la qaato xilliga Carwada. Sidaana, xaaladda rifanka ah ee Berbera ay hadda ku sugantahay awgeed, badeeco 10,000l ka badan la ma kala iibsado. Qiimayntaan dadka degaanku waxay ku sheegaan in ay aad u hoosayso. [B En.]
  21. Sida ay isugu egyihiin 'Gach'-ka Beershiya iyo sibirkan oo burburro badan oo Berbera ah laga helo waxaa sheegay dalmarro kale. [B]
  22. Ilaa 7 km ayay Berebera xagga berriga ka xigtaa, waana halka biyuhu uga yimaadaan magaalada Berbera, ilaa waagan la joogo. [T]
  23. Liutenant Cruttenden wuxuu ka fikiraa dadkii dhisay iyo waaga ganacsiga Berbera u baahday hawsha intaa qara la'eg, wuxuu u dhowyahay in uu arrintaa u saaro qabsashadii Beershiya ee Cadan waayihii Anushirwan. Wuxuu sheegaa in ganacsigii Badda Cas ka socday uu waagaa xoog lahaa, carwadii hore ee Hisn Ghorab [Xisn-al-Ghuraab /Qalcaddii Tukaha (Yemen)] iyo Cadan barwaaqo iyo hanti ayaa yiil, Beberana shaki la'aan waxay dhoofin jirtay, sida ay hadda ba yeesho, foolmaroodi, faleen, iyo baalal goroyo. Se, in kasta oo dhulka Soomaaliyeed ee xeebaha ah uu sheekooyinka Furus iyo Beershiya ka buuxo, dhismeyaasha Berbera u dhow, oo ku yaal carri maansuun iyo dabaylio culusi ka dhacaan, ma mutaysan wax aan ugu tirinno soojireen 1300 oo sano ka hor. – Soomaalidu waxay sheegaan in toban fac ka hor awoowayaashood ay Gaalla ka eryeen Berbera, dhismeyaashaana waxay u tiiriyaan cawaan waayo hore jirtay. Waxaan haddaba anigu door bidaa in aan haraadigaa Berbera u dhow u tirsho Cismaaniyiintii oo markii ay Cadan qabsadeen ka dib, xilligii Sulaymaan Baasha 1538, yamanna haystay muddo ilaa 100 sano ah, iyaga oo ciidammo u ah Boqorkii Awdal ku dhex fiday ilaa Xabashiya. Haraadigii dhiskooda ayaa laga helay Saylac iyo Harar, sida sheeko lagu hayana Berbera waxay ku lahaayeen degmo loogu magacdaray ninkii bilaabay, Bandar Cabbaas. [B]
  24. Saytuunku waa kan salliida laga tuujiyo ee Qur'aanku sheegay. Geedkaa iyo caleentiisa ayaa waxay calaamd u yihiin nabad iyo heshiis. [T]
  25. Khatar ayay ku jireen oo dil dhagar qaba oo dhowr beri ka hor intii aannaan iman la gaystay ayaa Garxajis oo dhan ku khasbay in ay magaalada ka cararaan. Dabadeed, col 5000 oo nin ah ayay Buulaxaar ugu ururiyeen dagaal iyo dil. Arrintaa Habar Awal ayay ka caraysiisay. Dhab ahaanna, haddii aannaan joogi lahayn martidan 'ilma adeerradood' si xil leh ayay u la dhaqmi lahaayeen. [B]
  26. Johann Ludwig Burckhardt (Jean Louis / John Lewis, 1784–1817M), wuxuu ahaa dalmar juquraafiyahan Swiss ahaa oo abbaaraha sanadii 1809 si dahsoon Xaramka Maka ku galay, dabadeedna saddex bilood halkaa joogay oo ka soo warramay wixii uu ku soo arkay. Richard Burton ruuxiisu Maka sidaa si la mid ah ayuu mar ku tegay oo uga soo warramay. [T]
  27. Ganacsatada addoomaha ee xeebtan Carabta ayaa ugu indho adag. 1855, Maxamad reer Masqat, nin markab leh oo wax badan Cadan taga ayaa meel noo muuqata wuxuu ka iibsaday nin ay isku meel ka yimaadeen gabar Carab xor ah oo qabiilka Yaafici Caqaaribta Bir Xaamid ka ah. Dabadeed inta Berbera keenay ayuu ka sii iibshay nin ay isku carri ka yimaadeen. Dambigaa oo kale wuxuu istaahilaa ciqaab adag; xataa Xabashidu waa deldelaan Kiristaankii lagu helo isaga oo iibinaya qof ay isku diin yihiin. Addoonsi ka ganacsadaha Carbeed badanaa addoonta hantidiisa ah wuxuu u guursadaa khaa'innimo, marka uu Masqat ama Bushiiri yimaadana inta furo ayuu iibiyaa. In badan ayay hablo Soomaaliyeed oo xor ah tan oo kale ku dhacday. [B] – Wax la hubo ayaa ka jira in Soomaali aan tiradooda la aqoon oo la malaynayo inay dumar u badanaayeen addoon ahaan loo kala iibsaday, sir iyo saaq, siiba xagga Gacanka Carbeed loo iib geeyay. [T]
  28. Marcus Vitruvius Pollio, wuxuu ahaa muhandas Roomaan ah oo dhismaha ku caan baxay. Wuxuu noolaa qarnigii koowaad ee miilaadiyada ka hor. [T]
  29. Kanooni culus, dhuun gaaban, oo Ingiriiska lagu sameeyay. [T]
  30. Habar Toljeclo (hooyadii lafta Mailah [?] ), waa faracii Isxaaq Al-Xadrami iyo gabar addoon Xabashi ahayd, waxay degaan carri bariga ka kaga beegan Berbera. Degmooyinkooda ugu waawayni, Cacytaraad ka sokow, waa saddexda dekadood ee yaryar ee Karam, Cunqor iyo Xays. Tan hore, sida laga hayo Lieut. Cruttenden, waa 'tan ugu muhiimsan xagga dekeddeeda iska roon iyo iyada oo ah meesha Cadan ugu dhow oo marinkeedu yahay N.N.W. [jiheeyaha: Waqooyi-Waqooyi-Galbeed]. Sidaa darteed, dabaysheedu waa iska dhexdheexaad, doomaha idaha suuqa Cadnmeed loogu raraana habeen qura ayay badda u sii dhaxaan, halka kuwa Berbera ka tagaa ay badanaa saddex ku qaadato. Waxa qiimaha Karam sii kordhiyaa waa u dhowaanteeda dhulka Dhulbahantaha oo meel afar maalmood loo socdo u jira, ganacsigooda ugu waynina dekaddaa maro. Reer Yuusuf, jilib ka mid ah Habar Toljeclo ayaa hadda Karam haysta, iyaga iyo qabiilooyinka dabaylaraaca ka xigana waxaa dhex yaal collaytan kii ugu xumaa oo aan dawo lahayn. Taa ayaa sabab u ah dilal badan oo lagu gaystay Karam shantii sano ee ugu dambaysay, ilaa haddana aan loo aargudin. Dekedaha yaryar ee Cayntarad, Cunqor, Xays iyo Rukuuda wax sidaa ah oo la sheego ma leh, marka laga reebo tan ugu horraysa oo Cadan la leh ganacsi idaad.' [B]
  31. Niccolo Machiavelli (1469-1527), wuxuu ahaa faylasoof xirfado badan oo Talyaani (Dawladdii Florence) ahaa. Waxaa gaar ahaan loogu xusuustaa qoraalkiisii siyaasadeed ee caanka noqday, Il Prince (The Prince). [T]
  32. Alderman (men) waa magac darajo oo loo adeegsan jiray ragga madaxda ka ah dawladda hoose ee Ingiriiska iyo Ayrlaand waayo hore. Polka waa ciyaar dhaqameed asalkeedii ka soo jeedda Bohemia. Laba qof (lab iyo dheddig) ayaa wada ciyaara, waxyna caan ku tahay sida loo cayaaro oo saddex tallaabo oo inta la isla qaadayo ay ku xigto booddo gaaban iyo rucle. [T]

Qeybtii 11aad: Dhamaad - Balo Waa ay Dambaysay

Odhaahda Tifaftirka: Waa qeybtii ugu dambeysay ee tarjumaadda buugga Sahankii Richard Burton, oo ka kooban 10 cutub, oo markii ugu horeysay la daabacay 1858. Buugga waxa tarjumay Boodhari Warsame. WardheerNews waxa ay aad ugu mahadnaqeysaa Boodhari oo xil aad u weyn iska saaray sidii uu ugu soo bandhigi lahaa bulshoweynta Soomaaliyeed buuggan taariikhiga ah ee Sahankii Richard Burton. Waxaan fileynaa in akhristayaashu ay ka haleen dhacdooyin badan oo taariikh ku leh dhulka Soomaaliyeed.

Sabtidii 7 April 1855, ayay doonnida ciidanka ee Maahi oo uu naakhuudinayay H.E.I. Company, Lieut. King, I.N., soo gashay dekedda Berbera, halkaa oo kanooniyaddu la gurxameen riddadii sagootinta safarka 'Somali Expedition'.

Carwada Bariga Afrika markii aan soo degay waa isku yaacsaneyd, oo wareer badan ayaa ka taagnaa. Se, maalin ka hor ayaa karawaankii waynaa ee Harar oo tiro la'ekaa 3000 oo ruux iyo xoolo intaa oo kale ah u yimi in ay siddeeda bilood ee soo socota u saad dhigtaan. Badeecooyin iibsi, shayba shay la dhaafsasho ama kala beddalsho ayaa lagu kala addeegtay, si aad u dhakhso badan oo aan dhaqanka ganacsiga ahayn.

Maalintii oo dhan, iyo inta badan habenkii, magaaladu waxay la yabqaysay codadka iibiyeyaasha iyo iibsadayaasha. Haddii aan wax kaleba daayo, 500 oo addoomo lab iyo dheddig isugu jira ah ayaa suuqa joogay1. Safaf dhaadheer oo awr raran iyo kuwo caddaysin ah ayaa lagu arkayay iyaga oo xeebta bannaanka hurdigaa ah qoodeynaya. Xanta colal burcad ah oo la soo sheegay ayaa mararka qaarkood waxay magaalada ka kicisaa guutooyin waranlay ah oo sidii bahallada duurjoogta ah u boodbooda una orya.

Durba kooxo safarray ah ayaa sodcaalkoodii noqoshada u xirxirtay, tuurkii qarmuunaa ee buulasha dermada ah ee suuqaan caan baxay, beryo qabsada aayar aayar ayuu hoos uga dhacayaa intii uu ahaa.

Kooxdayada yari waxay ka koobnayd 42 ruux. Cadan markaan joogay waxaan ka codsaday dawladda booliis Soomaaliyeed oo si fiican u tababaran, se, maadaama dawladdu ku doodday in ciidankaasi uu isaguba koror u baahnaa ayaa codsigeennii la diiday. Waxaannu ku khasbanaanay in aanu ku qanacno qorashada darsan dadyaw kala duwan ah, Masaari, Nuubi, Carab iyo Neegarro aannu ku hubaynnay seefo iyo buntukhyo. Xubnaha kale ee gooshidda ka mid ahaa waxay ahaayeen adeegayaasheenna gaar ahaaneed, iyo ilaa labaatan Soomaali ah oo ay kala wateen labadeenna abbaan ee iska soo horjeeday, Xasan Jaamac iyo Buraale Nuux. Raaska ama Naakhuudaha kaafiladu wuxuu ahaa nin Maxammuud la yiraahdo oo Majeerteen ahaa, Cadanna ku magacdheeraa Bayluz ama Ergay. Wuxuu u astaysnaa in uu yahay maamule fariid ah, si fiicanna u yaqaan dhaqamadda iyo caadooyinka, si la mid ahna u yaqaan dhulka Soomaaliyeed.

Xeradeenna waxaa laga taagay halkii wakaaladdaa dawladda la soo jeedshay in laga yagleelo. Waa teed qar (buur yar) dushi oo meel xabbadi gaadho u jira darafta koofureed ee khooriga, magaaladana ilaa mayl wax yar la' u jirta. Meeshaan waxaa lagu doortay in ay ku wanaagsaneyd kanoonioyada Maaxi. Xaalad siyaasadeed oo degdeg ah ayaa Maaxi geyisiiyay in uu beddelo Elphinstone oo marka xannibaad xagga badda ah ku hayay Carabkii cadowgeenna ahaa ee ugaaska reer Fazli ahaa. Sidaa awgeed,xeebta ma sii joogi karin, ambabaxeennana ma korjoogtayn karin, arrintaa oo aan aad ugu doodday.

Teendhooyinkeenna waxaa loo dhisay qaab hal saf ah. Lieut. Stroyan midigta ugu shishaysa ayuu degganna, ilaa 12 tallaabana waxaa ka taagnaa 'Rowtie'2aan ku jirno Liut. Herne iyo qudhayda, meel intaa oo kale u jirta oo illinka xerada ahna waxaa ku yiil tii Lieut. Speke seexananayay. Alaabtii waxaa la dhigay meel labada teendho oo dambe u dhaxaysa, awrtii waxaa lagu dabray bannaan dooxa ka xeradayadu ku tiil hoostiisa ku yiil oo hortayada ahaa, xagga dambana waxaa taagnaa baqlihii iyo fardihii. Intii maalinta lagu jiray, dhammaan waa la feejignaa, habeenkiina laba waardiye oo si joogto ah la isaga beddelo, mar marna uu booqdo Raasku ama annaga qudhayadu ayaa la saaray. Sidii Berbera la iigu soo dhoweeyay cabasho wayn kama qabo.

Ugaasyadu waxay u muuqdeen kuwo aan ku qanacsananyn in Maxammad Samatar, Abbaankii u weheliyay Lieut. Speke dhulka Bari, lagu keli yeelay. Hase ahaatee, dhug xushmad leh ayay ku dhegaysteen (markii loo akhriyay) warqad Wakiilka Siyaasadda ee Cadmeed uu ugu soo qoray in ay si xilkasnimo iyo martisoor wacan nagu la dhaqmaan.

Muranno aan sidsaa u sii waawaynayn ayaa Buraale Nuux na dhex maray, duqaydii lafta Ciise Muusana waxay ka sharqamiyeen kiraysiga ama qorashada seesiyo iyo awrjireyaal. Si ay ahayd ba, dhacdooyinkaa oo kale Afrika waxba laga ma soo qaado. Saaxiibkaygii Harar, Sheekh Jaamac, si is dabajoog ah ayuu noo soo booqday, rooti iyo milix nala cunay, raggii ay isku meesha ka yimaadeen na baray, anigana ii adeegsaday in ay maraakiiblayda dhuuniyada ah in ay bilaash xujayda fuqurada ah ku geeyaan Caraabiya. Dadkii marka ay arkeen maydka dhawr maroodi ayay tartiib hoos ugu dhigeen isqaadqaadkoodii codadka dhaadheer lahaa iyo sheegashooyinkoodii qaylada ahaa. Waxay naga caawiyeen qodidda ceel, adeegoodiina noogu yabooheen hageyaal awrjirro, mararka qaarna ku adkaysteen in ay meel agteenna ah u soo degaan ilaalinteenna. Aan soo gaabshee, wax laga baqo noo ma muuqan. Muddo soddon gu' ah, qof Ingiriis ah oo ka mid ah inta badan ee booqatay wax lagu ma yeelin Berbera, sida muuqatayna wax laga baqo oo wayni ma jirin, sidii qalcaddii Cadmeed adoo jooga3.

Xaaladdaas wacan intii lagu jiray, mar qura ayaannu dhulka gudaha ah ee xeebta ka rogan ku dhaqaaqi karnay. Awrtayadii oo 66 tirada dhammayd waa la soo iibshay, Karawaankii Ogaadeenna wehelkayaga ayuu dhererayay. Laakiin waxaannu rabnay in aannu ogaanno dhammaadka carwada Berbera, qalab iyo alaabooyin kale oo muhiim ah iyo boostana Abriil ayaannu Yurub ka sugaynay.

Sagaalkii saac oo maalinnimo markii ay ku dhadhoweyd, Abriil 9, ayaa roob onkod iyo hillaac weheliyaan ka soo curtay kuraha bari, halkaa beryo roob ka da'ayay, digniinna u ahaa bilaabashadii Gu'ga ama maansuunka Soomaaliyeed. Tani waxay ugu digtaa Badawiyiinta in ay u guuraan oogada kuraha ka sarraysa plateu above the hills. Magaaladii oo dhan raartii ayaa laga diiray qalfoofyadii dhigaha iyo udbaha ahaa, awrtii baan raray, kumannaan socdaalayaal ahina waddadii ayay buuxiyeen. Maalintii xigtay Berbera cidla ayay ku dhowayd, marka laga reebo xujayda rabay in ay markab raacaan, iyo ganacsadeyaal iyaga oo ka baqaya colal burcad ah sugayay waqtiga ugu habboon ee ay ka shiraacdaan. Abbaannayadii Jaamac iyo Buraale, ka dib markii fasax loo siiyay in ay reerarayaashoodu iyo xoolahooda raacaan ayay waxay nagu wareejiyeen wiilashoodii iyo qaraabadoodii. Abriil 15 ayay doontii ugu dambaysay ka shiraacatay creek-ga, kooxdayadii yaraydna meeshii oo aan cidina ku haysan ayay ku hartay.

Saddex maalmood ka dib, ayaa duhurradii doon Cadan ka timi ooCeeldaraad u socota siddana ilaa 12 Soomaali ah oo in ay xagga Ogaadeen noo weheshadaan rabay ayaa soo gashay dekedda oo cidla'dii ah. Habeenkaa ayaan shiraacan karnay. Ha se ahaate, nasiib wanaag, waxaan dadkaygii ku amray in naakhuudaheeda iyo shaqaalaha ku sooraan bariis iyo timir aan la iska qaban karin.

Qorraxdhacii isla maalintaa ayaa waxaa naga naxiyay xabbado teendhooyinkayaga gadaashooda ka dhacay. Wixii wax riday waxay noqdeen saddex niman fardooley ah oo dushooda waardiyeyaashayadu ka rideen, illeen waa intaas oo ay koox burcad ah yihiine. Dadkayagii si kulul ayaan uga canaantay arrinkaa aan loo baahnayn, waxaana aan ku amray in ay timaadda dabkooda dhaqaqaalaystaan, marka laga fursan waayana dudka toos ugu ganaan ee ayan dusha ka marin. Taa ka dib, waxaannu galnay in aannu martida imtixaanno, annaga oo uga shakisananyn in ay ahaayeen sahanka badanaa hordhaca u ah budhcada Soomaalida. Jawaabtoodu sida ay wanaagsanayd, xataa Balyuz iyo xariifnimadiisii oo dhanba way dageen.

Badawiyiintii waxay allifeen war ah in cadowgoodii soojireenka ahaa, Xaajigii Sharma'arke, oo afar markab wataa uu ku dhawrayo dekedda deriska ah ee Siyaaro, si fursad uu Berbera ugu qabsado inta ay cidla'da tahay, qalcadihiisiina uu halka dib uga taago markii saddexaad. Martidiyadii waxay ku dhaarteen xil dalaaq, tan ugu daran ee dadka diintu yaqaannaan, in haddii ay u jeedeen doon khuuriga soo gelaysa xilligan aan caadiga ahayn loo soo diray in ay hubiyaan in ay alaab dhisme ku rarantahay iyo in kale. Waxay ku soo gebagabeeyeen, iyagoo qoslaya, in aannu ka baqnay khatar kaga timaada qabiilada abbaannadayada. Markii aannu aamminnay ayaannu labadii waardiye ee joogtada ahaa habeenkii saarnay oo ka hawlyaraysannay, si aan ugu nasanno nabadgelyadii aannu u barannay.

Intii u dhaxeysay siddeeddii saac iyo sagaalkii saac ee habeennimo, 19 Abriil, ayaa waxaa si lama filaan ah ii toosiyay Balyuz oo ku qaylinaya in cadowgii na hayo4. Markii aan maqlay hugunka rag sidii dabayl xooggan ah ayaan kacay, seeftaydii doontay, Lieut. Herne na u diray in uu soo hubiyo xoogga colka. Isaga oo bastoolad 'Colt' ah ku hubaysan ayuu xagga dambe ee xerada aaday iyo ku'aadkii halka khatartu ka imanaysay. Waardiyeyaasha qaarkood ayuu soo xakeeyey, qaarkood mar hore ayaba caraareen e, oo laba xabbadood ku riday colkii. Dabadeed markii uu is arkay isaga oo kaligi ah, ayuu dedeg ugu soo laabtay xaggii teendhada. Isaga oo sidaa yeelaya ayaa waxaa jilaafeeyeey xarkihii teendhada, haddii uu soo istaagayna Soomaali doonaya in garruun la dhaco ayaa u muuqday. Lieut. Herne xabbad ayuu ku riday oo dhulka la dhigay, oo inta yimi noo caddeeyay in cadowgu tiro xoog leh yahay waardiyihiina aanu joogin. Markaa waxaan toosiyay Lieuts. Stroyan iyo Speke oo kala hurday teendhooyin midig iyo bidix ugu shisheeya. Kan hore, sida aan malaynayo, waa istaagay, si uu isu difaaco, se sida dambe lagu arkay, nolol ba ku ma aannaan soo gaarin. Lieut. Speke oo ku kacay warka hubka dhacay se' u qabay dhiilladii dheesha caadigaa ahayd iyo digniintii burcadda lagu ridi jiray, halkiisa ka ma uusan dhaqaaqin. Markan haddii uu maqlay burar teendhadiisa ruxaya iyo cago isdaba maraya, wuxuu ku soo cararay teendhadaydii oo aan diyaar u ahayn in aan difaacno intii suuragal ah.

Cadowgii wuxuu u yaacay sidii xoonkii, isagoo isku daraya qoob iyo qaylo cabsigelin loola dan lahaa iyo in nala tuso in wax aannaan u babacdhigi karini na hayaan. Sinnaba suurogal uma ahayn in hoosaasiska habeenka darti laga gabbado jugaha hootooyinka iyo toorreeyada dheedheere calculus oo lugaha na la kala doontay hoosta teendhada iyo dalool keeda ba. Saddexdeednnii waa isla joognay, Lieut. Herne midigtayda ayauu jilbojabsaday, bidixdayda Lieut. Speke ayaa iridda waardiyaynayay, anna dhexda ayaa sitaagay aniga oo aan sidan wax kale seef mooyee. Baastooladaaydii wehelladayda ayaa si xun wax ugu galay oo nasiibdarro laba xabbadood uun ayaan noo harssanayd. Markii dabkii dhammaaday ayuu Lieut. Herne raadshay geesbaaruudkiisii, kaa markii uu waayayna wuxuu helay warmo badanaa tiirka teendhada lagu xiro. Isaga oo hawshaa ku jira ayuu arkay nin teendhada xagga dambe uga soo dhacaya. Markaa ayuu soo noqday, si uu iila socodsiiyo waxa socda.

Marakan, qiyaastii shan daqiiqo ka dib bilowgii shaqaaqada, teendhadu waxay ku dhowayd in la dunsho, waa caado Carbeed oo aannu wada niqiin e, haddii aanu ku xannibmi lahayn laablaayadeedana waranka ayaa guri foolxun naloo ka dhex asli lahaa. In la baxsado ayaan ku dhawaaqay oo dibadda u booday, aniga oo uu i daba socdo Lieut. Herne, Lieut. Speke uu xagga dambe soo socdo. Muuqaalku ma fiicnayn halkaa. Waa ilaa labaatan nin ayaa jilibdhig iyo dhabbac u safan teendhada iriddeedii, halka kuwo badan oo madmadooboo meel ka durugsan taagtaaganaa ay soo cararareen, iyaga oo habar-wacashadii dagaalka ku orinaya, kuwana qaylo iyo ul awrtayadii ku kala cayrsheen. Cadowga waxaa ku jiray kuwo badan oo saaxiibadayo iyo gacanyareyaashayada ahaa. Maadaama xeebtii u bannaanayd, waa ay carareen inta xabbado yar oo aan waxba tarin rideen, iyaga oo dhaawacyo fudud qaba.

Markii aan dudkii halka teendhada laga galo dhoobnaa ka dhex dusay, malaynayana in aan arkay wax Lieut. Stroyan u eg oo dhulka yaal, ayaan jid ka bannaystay koox Soomaali ah dhexdood oo burarkoodu shaqo naxariis la'aan ah iga hayeen, halka Balyuz oo si xooggan bannaanka iiga riixayay shaqaaqada uu tummaatiyihii seeftayda gadmiyay. Ninku wuxuu ahaa nin deggen oo xariif ah. In kasta oo uu la liitay suulka midig oo la xanuunayay adeegsiga waranka, khatar ka ma gabbananyn, isaga oo bed qaba ayuuna cadowga dhexdiisii maray. Hase ahaatee, dedaalkiisii wuxuu ku bannaannaaday oraahda faca wayn ee 'saaxiibbaday iga difaac'. In aan isagii ruuxiisa la dhaco mar aan isu babcay, qaylo ayuu afka ku shubtay, halkaa oo cod aan si fiican u garanayo dedeg ii hakiyay. Marakan waranle ayaa hore u soo istaagay oo hootadiisii afkayga uga tegay, intii aan loo ciqaabinna cararay. Si mucjiso leh markii aan u soo baxsaday, ayaan wax taageero ah doontay. Kuwo badan oo Soomaalideennii iyo gacnyareyaasheennii ah oo mugdigii gagabbanaya ayaan in colka lagu baxo u soo jeedshay, se 'dhabarka ayay jeedsheen' nin oo qur ah moyee, markii aannu cadowgii u dhawaannay. Marakan Balyuz ayaa dib u soo laabtay oo ii kaxeeyay xaggii meesha uu is lahaa saddexdaydii saaxiib ayaa magan galay. Waa aan raacay, ninkii kaliya oo xiskiisu joogayna, waa Guuleeb reer Yuusuf e, u diray in uu doontii Ceeldaraad Raaska ka keeno oo bartamaha dekedda ku soo xiro5. Haddana, mar kale ayuu Balyuz mugdigii iiga lumay, waxaan intii uu waagu ka beryaya ku idlaystay wareeg aan ku raadinayo jaalleyaashay, aniga oo markii ay dawakh iyo xannun iga tan bataanba dhinaca dhulka dhigaya. Haddiiba waagii dillaacay, wixii tabar igu haray ayaa waxaan ku gaaray khooriga afkiisii. Dabadeed, waa la i qaaday oo doontii la i saaray, shaqaalihiina waxaan ku qalqaaliyay in ay is hubeeyaan oo booqdaan halkii baladu naga qabsatay.

Isla hadahaa, Lieut. Herne oo si dhow ii daba socday ayaa gadaal isu jimbacay, isaga oo baadka lixqaaddiisii oo rasaastii ka dhamaatay u adeegsaday madaxyo adadag oo hareerihiisa mukaysnaa. Sidaa isaga oo falayaa ayuu ku soo baxay rag ilaa 12 ah oo in kasta oo ay qaylo ku dheeraysanayeen 'Dila Faranjigada Soomaalida laynaya!' u oggolaaday in uu dhex maro isaga oo aan dhaawac gaarin.Dabadeed, jaalleyaashi ayuu mundulladii cidla'da ahaa ee magaalada ka goobay, goor ay waaberi hore ahaydna waxay is heleen Balyuz oo sidaa oo kale ka shaqaynayay. Markii waagii dillaacay ayuu Neegar u diray in uu joojiyo dooni carriga laga lahaa oo sida muuqatay ka shiraacanaysay marsada, kana gaaray oo fuulay.

Marka laga reebo jugo culculus oo budhka dagaalku gaystay, Lieut. Herne wuxuu nasiib u yeeshay in uu baxsado dhaawac la'aan.

Dhanka kale, baxsashadii Lieut. Speke si loo eegaba waxa lala yaabo ayay ahayd. Teendhada markii uu ka soo booday ayuu 'Dean and Adams'6kiisii cadowgiisii shafka kaga joojay. Bastooladii se ayaa u dhici wayday. Jug culus oo bur shafka kaga dhacay ah ayaa jaallaheen oo meel dambe oo qarsoon joogay dhulka ku ridday. Markii uu dhacay, laba ama saddex nin ayaa ku booday, labadible gacmaha u xiray, hub qarsoon ka baaray - waa hawl isaga oo farganaya uu isu dhiibay e- oo xaggoo u kaxeeyeen, sidii in gawrac lala rabo. Halkaa ayaa Lieut. Speke oo neefisugu dirqi ku yahay, xanuunka jugtii ku dhacday dartiis, waydiistay mid dadkii haystay ka mid ah gacmaha inuu labadiblah uga furo oo hore ugu xiro iyo dindin biyo ah oo uun oon daran oo hayay isaga reebo. Cawaankii wuxuu ka difaacay Soomaali badan oo u hanjabay iyaga oo warmahahooda walcinaya, wuxuuna u keenay maro uu ninka dhaawacmay dhinaca dhigo, ka ma na uusan daahin in uu biyo u soo daro.

Lieut. Speke dhulka ayuu yiil ilaa waagu ka beryayay. Intii u dhaxaysay wuxuu u soo joogay ciyaardagaaleedka cawaanta (Wilwile?) oo leh muuqaal aad u xun. Dagaalyahannadii ugu dhadheeraa oo ugu xoogga waawayna ayaa wareeg u gaafwareegay teendhadii iyo bililiqadii, iyaga oo codadka ugu dheer uguna naxdinta badan ku heesaya, waa heestii xamdinaqa e. Meel wax yar u jirta, ilayska ciirada aan kala caddayn ah ayaa muujinanayay afar ama shan nin oo dhaawac xun dhulka la yaal, iyaga oo tolkood lugaha u tuutuujinayaan, dhaawacyadooda biyo ku mayraya, fudad timir ahna gacmahooda sii kogaya u saaraya7. Hadii waagii caddaadady, qaybsigii bililiqada ayaa muran xooggan dhaliyay. Kooxi geelii ayay la tageen oo inta qaylo iyo or isgu dareen duurka la qabteen, kuwo alaabo ayay xambaarteen, kuwo kale maryo ay gacan iyo toorreey ku kala jeexjeexeen ayay isku dagaaleen, halka kuwii aan qancin oo caro la karaya ay is garaaceen oo warmahoodii isu baaciyeen. Mar iyo in ka badan ayaa intii muuqaalladaasi socdeen anfariir ku dhacay; dabadeedna iyaga oo isku duuban ayay meel xoogaa jirta tageen, markaana waxaan shaki ku jirin haddii waardiyeheennu uu hal dhufasho uun gaysan lahaa in aannu maalintaa guusha la hoyan lahayn.

Ninkii Lieut. Speke hayay ayaa tegay, si uu bililiqada qaybtiisii uga raadsado, markaa ayaa waxaa yimi nin Soomaali ah oo af Hisdustani ku waydiiyay waxa Faranjigu dhulkooda ka soo doonay. Wuxuu u raaciyay in uu dili doono haddii uu Kiristaan yahay, se uu badbaadin doono nafta walaal Muslim ah. Ninkii dhaawacnaa wuxuu ku jawaabay in uu Zansibar u socday, walina uu Nasraani yahay, sidaa darteed ay ku wanaagsantahay in ninka gooddiyayaa mar uun u ka dhabeeyo. Cawaankii inta qoslay ayuu ka sii socday. Mid labaad oo si la mid u xammasadaysan ayaa ka dambeeyay, oo inta waran madaxiisa dushiisha ku ruruxay laba goor iska dhigay sidii wax ku dhufanaya, se bililiqadii isaga noqday, isaga oo aan wax dhaawac ah gaysan. Markanna, mid kale oo colkii ah ayaa yimi. Lieut. Speke oo gacmihii kala baxay xariggii ayaa qabtay warankii shafka lagala beegtay, se isla markaana waxaa haleelay bur inta gacanta naafeeyay ku khasbay in uu warankii sii daayo. Isaga oo wadnihiisa ka difaaca ruubidyo is daba jooga ayaa dhaawacyo ka gaareen gacanta dhankeeda dambe, garabka midig iyo bawdada midig. Dabadeed, inta wax yar u kaadshay ayuu wixii dufoobay dhanka kale u wareegay oo si la ma filaan ah degdeg warankiisii toos uga dhex dusiyay lugta midigee ninkii dhaawaca ahaa. Kan dambena markii uu 'mayd u uray' ayuu dabadeed booday oo inta ka faa'iidaystay argagaxa cadowgiisii xagga badda carar afka saaray. Isaga oo gadaal iska dammoonaya ayuu ka gabbaday hootada gadaal laga soo ridayay, wuxuuna nasiib wacan u yeeshay in uu cararo, isaga oo aan wax dhaawac dheeraad ahi ka soo gaarin ilaa labaatan saaruukh oo lagu soo ganay. Markii laga haray ayuu dawakh dhiigbaxu sababay la fariistay kood ciid ah. Markii uu daqiiqado nasasho ah tamari ugu soo noqotay ayuu magaalada dhex luuday. halkaa oo dumar waayeello ahi nagu soo hagaajiyeen. Dabadeed, inta uu waddadiisii sii raacay ayuu ku soo dhacay kooxdii loo soo diray in ay soo raadsaan. Iyagii ayuu gargarkooda doonta ku gaaray, dabadeed markii uu cararayay ama soconayay ugu yaraan saddex mayl, isaga oo 11 dhaawac oo labo bowdadiisa ka dustay ku dhaceen. Waa cashar qiiro leh oo ku saabsan sida ay u dhib badantahay in la dilo nin caafimad qaba!

Markii saddexddii badbaade ay doontii gaareen ayuu Yuusuf, naakhuudihii, ku hubeeyay shaqaalihisii buntukhyo iyo warmo oo xeradii agteeda ku dejiyay, hubiyayna in cadowgii oo weerar cusub filayay uu cararay. Waxay la tegeen dharkayagii, tobaakadayadii, seefahayagii iyo hubkeennii kale8. Maydkii Leut. Stroyan ayaa dabadeed doonta la soo saaray. Jaalayagii loo baroodiiqay mar horeba waa togmay oo qaboobay. Waran ayaa wadnaha ka dusay, mid kale caloosha ayuu dilaacshay, jeexdin laga naxo oo sida u muuqata seefi gaysatayna qaybta kore ee wajigiisa ayay dillaacisay. Jirka waxaa lagu jugeeyay burarka dagaal, ka bawdyahana waxaa ka muuqday dhibaato loo gaystay geerida ka dib. Tani waxay ahayd dhibkii ugu waynaa ee na helay. Waxaan u wada nooleyn sidii walaalo. Lieut. Stroyan wuxuu ahaa qof la wada jecelyahay tayadiisa sarraysa ee geesinnimada ragannimada leh ah, ad'adkaanta jireed iyo adkaysiga joogtada ahaa ay u dheereyd khibrad shaqo oo wanaagsan. Maxayse kuugu taal, sidaa lagu laqmiyay e. Waxa dhab ahaan murugada noogu lahaa waxay ahayd farqiga u dhaxeeyay habeenkii oo uu nala fadhiyay isaga oo faraxsan oo firfircooni ka buuxdo iyo subaxii aan dhexdadayada ku aragnay isaga oo meyd midab doorsoomay ah.

Waxaan damacnay in aannu meydka saaxiibkayo kaydinno, si Cadan loogu xabaalo. Se, doorsoonka cimmiladu ku haysay oo aad u dhakhso badnaa ayaa nagu khasbay annaga oo ka cagajiidayna in aannu Abriil 20 ku aasno badda. Lietut. Herne ayaa akhriyay taqliintii duugta.

Dabadeed annaga oo murugaysan ayaannu ku shiraacannay xeebta Carbeed xaggeeda, laba maalmood oo daal badnaa ka dib na saaxiibbadayo ayaannu u gaynnay warkii muusibada aan la filayn ahaa.

  1. Xilli carweedkii1854 wuxuu bilowday Nofeembar 15, waxaana la oran karay wuxuu dhammaaday April 15 [1855]. Safarreyda ugu waawayn ee Berbera yimaada waxay ka yimaadaan Hararta Galbeed iyo Ogaadeen, gobolka Koofureed. Waxay badeecadaha ka soo ururiyaan qabiillada Soomaaliyeed ee intaa u dhexaysa deggan. Tan hore waxaa lagu soo xusay baalasha horreeyay. Sharraxaaddaha soo socda ee safarka Ogaadeen ku saabsan waxay ka dhasheen u kuurgal Lieuts. Stroyan iyo Herne ay Berbera ku sameeyeen. – 'Safar wayn oo Ogaadeen ka yimi ayaa xeebta ku soo dega xilliga Carwadu bilaabato. Waxay keenaann addoomo dhulka Caruusa laga keenay, xoolo tiro badan, xabko iyo wixii la halmaala, subag, foolmaroodi, baalal goroyo iyo geeso wiyileed oo laga sameeyo daabadka hubka. Kuwaa ayaa lagu soo beddeshaa saddex nooc oo dharka suufka ah ee qallafsan ah: Ingiriisi iyo Maraykaani 75, 65, 62 iyo 48 yaardi kala ah, aftoo cad iyo mid madow lagu aslay oo dhererka 16 yaardi ah, gambooyinka haweenka la qabaa xidhaan, biro cadad yar yar ah, naxaas, kuulo noocyo badan oo kala duwan ah, gaar ahaan dhoobkka cad iyo tan midabka qarsho, timir iyo bariis'. – Reer Axmad iyo Reer Yooniska Soomaalida Habar Awal ayaa isku qoray Abbaannada ama dallaallada Safarrada Ogaadeen. Bahalnimada abbaankuna waxay macmiilka ka soo saartay macangagnimo. Ganacsadaha ugu wayn xeebtani waa Baanilaanka Cadan iyo Cutch ka yimaada oo ay Soomaalidu xifaale ahaan u taqaan 'hal irmaan'. Afrikaanku waxuu wax ku khayaanaan in uu si xun u cabbiro marada suufka aan nafta lahayn ah, Hindiguna in uu si khaldan u miisaamo bunka, foolmaroodiga, baalasha goroyada, iyo alaabooyinka kale ee qiimaha lehe uu wax siisto. Doollarka iyo xataa Rupeeyada waxaa hadda laga door bidaa labalaabka siddeeda baac ah ee noqda 'Toob'ka sida fiican loo yaqaan. – [B]
  2. Teendhada Sepoy-ga [teendhada askarta Hindida ah ee Ingiriiska u shaqaysa]. – [B]
  3. Si ay ahayd ba, markii aan soo noqday ayaa waxaa i i sheegay M. Antoine d'Abadie, dalmarkii Xabashiya maray ee caanka ahaa in dhulalka cawaanta meel naftiisa Bebera uga halis badnaydi ayan jirin. – [B]
  4. Kooxda weerarka ahi, sida ay ay u muuqatay, waxay dhammaayeen 350 nin; 12 Mikaahiil ah, 15 Habar Garxajis ah iyo inta soo hartayna oo Ciise Muuse ahaa. Mid ka mid ahaa oo Aw Cali la yiraahdo ayaa, sida la yiri, dilkii Lieut. Stroyan ka baashaday. – [B]
  5. Xilligan doomaha halkan laga leeyahay marka ay Bebera ka tagaan Raaska ayay galabtii tagaan oo baroosinka dhigtaan halkaa,waaberiga ka horna maayadda la shiraacdaan. Naftayadu dhab ahaan dun ayay ka laalaadday. Haddii doontu bixi lahayd habeenkii weerarka ka horreeyay, sidii qorshuhu ahaa, wax ciribtir naga badbaadin lahaa ma jireen. – [B]
  6. Dean & Adams waxay ahayd nooc bastooldihii hore ka mid ah oo shanqaad iyada oo la ridayo iskeed isu cabbaysa ahayd. Noocyada kale, sida Colt iyo kuwo kale, dubbaha rasaasta qarxiya suulka ayaa mar walba lagu cabbayn jiray. –[T]
  7. Soomaalidu timir ayay qofka dagaalka ku dhaawacma gacanta u saaraan, si ay u hubiyaan inta uu la'egyahay dhaawaca uu qabo. Kii cunnadaa macaan cuni kari waaya waxaa loo qaataa in uu kalagoysyada lafaha ay wax ka gaareen. – [B]
  8. Waxay quursadeen jawaannadii cuslaa ee badarka ahaa, buugtii, sanaadiiqdii jajabtay, qalabkii dhaawacmay iyo alaabo kaloo kala duwan oo ay garan waayeen. Maalintaa waxa aannu ku idlaysannay Berbera, si aan hantidayadii u soo qaadanno, xabbadana u ridnoaan ugu baaqaynnayo lix shaqaale ah oo maqnaa. kuwaasi noo ma muuqan oo iyaga oo aan wax waqti ah lumin ayay durba Karam iyo Ceeldarad isku shubeen, halkaa oo ay Cadan uga nabad tageen. Habeenkii 19ka Abriil ayaan amray in la gubo alaabada culus, maxaa yeelay ma aannaan awoodin in aan qaadno, waxaanaan kuhanwaynayn in aan degdeg u laabanno. – [B]