Soomaali-Weyn: Dhalashadeedii iyo Dhabar-Jabkeedii

Soomaali-Weyn: Dhalashadeedii iyo Dhabar-Jabkeedii

Casharkii 1aad

June 23, 2011

Soomaali-wayn waa erey maqalkiisa uu ku yar-yahay dhegaha inbadan oo kamid ah faca Soomaaliyeed ee maanta nool. Waxaase wax badan ku hadaaqey ereygaan labadii fac ee ka horeeyey faca dhallinyarada ah ee nasiibkoodu noqdey in ay xilligan noolaadaan. Qaar kamid ah Soomaalida ayaa waxay u arkaan ereyga Soomaali-wayn in uu xambaarsan yahay aragti la xiriirta ahaanshaheena dadeed iyo lahaanshaheena daleed. Iyagu waxay tilmaamaan ereygan in uu saldhig u ahaa madax-bannaanidii iyo midnimadii gobollada Soomaaliyeed ee xorta ah. Halka qaar kale oo Soomaalida kamid ah ay u arkaan aragti leysku dulmiyay, taas oo qeyb Soomaalida kamid ah siisay fursad ay kaga sad badsadeen qeybaha kale. Sidaas ayaa ereyga ah Soomaali-wayn, iyada oo ahayd aragti ka soo maaxday dhallinyaro Soomaaliyeed, ayaa misana lagu kala aragti duwan yahay. Laakiin waxaa dhab ah, inbadan oo kamid ah faca maanta jooga in ay ka qatan yihiin ogaalladii ay kaga beeg-qaadan lahaayeen qiimeynta aragtidan iyo waayahii ay bulshada Soomaaliyeed la soo ceyshtey.

Soomaali–wayn, waa laba erey oo leys raacshey. Midka hore waa magac oo waa (Soomaali). Wuxuu caddeynayaa isir iyo absaxan dad leeyihiin, kaas oo ay ku tidcan tahay dhaqan iyo dheef-wadaag aanan saamaxayn in ay ku kala tagaan. Midka danbe waa tilmaame oo waa (Wayn). Wuxuu ka taagan yahay astaan muujineysa awood iyo sareyn. Tilmaanta waynidu waxay u ahaatey Eebe (kor ahaaye). Ereyga waynanka, Eebe marna waa u magac, marna waa u tilmaan. Isaga ayaa wayn, waynaan aanan nuqsaan iyo dhinaansho lahayn. Wixii isaga ka soo hara, waynanka ay sheegtaan waa mid leh xuduud iyo beeg ayan dhaafi karin. Cid kasta oo kale oo waynaan sheegata, waynankeedu waxaa raacsan dhinnaansho.

Soomaalidu marka ay sheeganayeen waynaan oo ay curinayeen ereyga Soomaali-wayn, waxay ahaayeen dad gumoobey oo inta laga itaal roonaadey la addoonsanayay. Xilli waxay ahayd dalkoodii gobollo loo qaybsadey. Ummado ka xoog wayn ayaa inta u soo tashadey, boob iyo dhac ugu yimid. Ummadahaasi shisheeyaha ah, waxay ku habsadeen dhul iyo hanti wixii ay Soomaalidu lahayd. Dabadeed bulshadii Soomaaliyeed waa ay gumeeyeen. Sidaa darteed ereyga Soomaali-wayn, wuxuu ahaa erey ay ku doonayeen han iyo xoriyad. Wuxuu ahaa erey ku mataaneysan halgankii iyo hayaankii bulshada Soomaaliyeed ay ku doonayeen madax-bannaanidii laga mahoobiyay. Aragtidu waxay ahayd mid ay ku ururinayeen awooddooda si ay ula garramaan gumeysigan ka itaalka roonaadey ee dusha kaga fariistey. Isku soo duub oo macnaha ereyga Soomaali-wayn wuxuu ku sidkan yahay yagleylkii ummadeed oo bulsha-waynta Soomaaliyeed ku doonanayeen xaqooda. Ereygu wuxuu ahaa mid ay is-weheshanayeen ereyadii quruxda badnaa oo ay hal-abuureen dhallinyaradii axraarta ahayd ee ka hanaqaadey dhammaan gobollada Soomaaliyeed. Ereyadaas waxaa kamid ahaa SYaxyaa Waddani, Soomaaliya ha Noolaato, Soomaaliyey Toosa, Soomaaliya Soomaali baa leh, Soomaali baan ahay.

Sida la ogsoon yahay falalka weheliya hal-abuurka dhismaha iyo midka bur-burka waxaa adag kan dhismaha. Dhismaha Soomaali-wayn wuxuu ahaa mashruuc ay ku mideysnaayeen Soomaalida inteeda badan, kaas oo halgankiisu uu socdey lix iyo labaatan sano (1943 – 1969). Soomaalidu waxay markaas gaareen riyadoodii ahayd madax-bannaanida iyo midnimada laba gobol oo kamid ah shantii gobol ee loo qeybiyay dhulkii ay ku dhaqnaayeen. Isla halgaankaas ayaa sabab u ahaa in gobolka Jabuuti uu qaato madax-bannaani bishii juun sanadkii 1976-kii. Waxaa kale oo aragtidaas ay sabab u ahayd, calanka midabkiisu yahay beymadow (buluug) ee xiddigta cad dhexda kaga taal, in laga taago War-dheer, Godey, Qabri-dahare Dhagax-buur iyo Jig-jiga. Taasina waxay dhacday bishii july 1977-kii, markaas oo uu socday dagaalkii Ogaadeenya.

Haddii hayaan dheer loo maray dhismaha Soomaali-wayn, waxaa jirta falalkii lagu bur-buriyay in si fudud looga gun-gaaray. Howl socotay muddo saddex sano ah (1991 – 1994) ayaa soo gaba-gabeysey geedkii dowladnimo ee laga dhaxlay facii axraarta ahaa. Labadaas xilli ee midna dhismaha ahaa midna bur-burka ahaa waxaa u dhexeeyay xilli kala-guur (Transitional Period). Waxay ahayd muddo qeybteedna ay sii xoogoobeysey aragtida Soomaali-wayn, qeybteeda kalena waxaa loo xaglinayay dhinaca bur-burka. Muddadaas kala-guurka ah waa 21-kii sano oo dowladdii kacaanka ahayd ay ka talineysey Soomaaliya.

Bulshada Soomaaliyeed xilliga ay ku dhalatay in ay is ururiso waxay ahayd xilli inteeda badan ay xoolo-dhaqato ahayd. Magaalooyinka waa ay ku yaraayeen waana ay yar-yaraayeen. Dadku waxay ahaayeen kuwo ku qatanaa ganacsiga iyo diblomaasiyadda xiriirineysey ummadaha adduunka. Sababtu waxay ahayd, iyaga oo dhaqaale ahaan isku fillaa oo aan dibadda uga baahney wax badan. Xoogaaga ay u baahan yihiin waxaa uga fillaa ganacsatadii tirada yareyd ee degmooyinka xeebaha ah ku dhaqnaa. Bulshada reer miyiga ah waxay lahaayeen aqoon farsamo iyo mid farshaxan oo ay ku dhistaan jaadad walba oo agab ah oo ay adeegsanayeen. Qalabkaas ayaa dhamaantiis waxay ka sameyn jireen dhirta iyo macdanta laga helo gobollada ay ku dhaqnaayeen. Agab tiro badan oo jaadad kala duwan leh ayay sameysan jireen, kaas oo tayo wanaagsan u lahaa noloshooda.

Bulshadu waxay garanaysay waxay yihiin (absaxan iyo ab-tirsi), waxay isku yihiin (xigto iyo xidid) iyo waxay leeyihiin (duddo iyo degaan). Hannaanka xoolo-raacatada ah ayaa wuxuu abuurey in ay duddo ahaan u kala fariistaan. Islamarkaas dhul kala durugsan ay xoolaha ku raacdaan. Inkasta oo ayan jirin dowlad dhexe oo isku tidicda beelaha ay Soomaalidu ka taagneyd, miasana bulsho ahaan waxay ahaayeen kuwo iska war-haya. Wixii dhacdo ah oo gobol la soo dersa, khabarkeedu si fudud ayuu ku gaari jiray gobollada kale. Qaab suugaan ah ama sheeko ah ayay ku kala war heli jireen. Geesinimada iyo isla-weynida waxay ahaayeen labada tilmaamood oo lagu faani jiray bulshada dhexdeeda. Aftahannimada iyo deeqsinimada ayaa qudhoodu waxay kamid ahaayeen tilmaamihii wacnaa oo sida xooggan loo xushmeyn jiray qofkeeda.

Xoogaggii gumeysiga waxay ku xasileen Soomaaliya dabayaaqadii qarnigii XIX-aad. Taasina waxay ka dambeysey markii ay shiiqiyeen dhamaan dhaqdhaqaaqyadii lagu diiddanaa gumeysiga ee ka curtey dacallada dhulkii ay Soomaalidu ku dhaqnaayeen. Waxaa xigey, xoogaggii gumeysiga in mid waliba uu dhankiisa ka bilaabo mashaariicdii cadaadiska ee lagaga daneysanayay Soomaalida iyo hantida ceegaagta dhulka ay leeyihiin.

Soomaaliya waxay markaas si buuxda uga mid noqotay dowladihii qaaradda Afrika ee lagu qeybsadey heshiiskii Berliin. Bulshada Soomaaliyeed waxaa u bilaabatay taariikh madow oo ku soo korortay waaya-nololeedkoodii. Saddex xoog oo ka waawayn ayaa mar qura waxay kala qaateen degaanadii ay ku dhaqnaayeen dadka ku hadla afka Waryaa. Xoogaggaas waxay ahaayeen Faransiis oo qaatay gobolka Jabuuti. Ingiriis oo qaatay gobollada waqooyi iyo Talyaani oo qaatay gobollada Bariga, bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Reerka keliya oo Soomaalida ay xilligaas u baxsan lahaayeen si ay hiil uga helaan waxay ahaayeen boqortooyadii Xabashida ee dhanka galbeed ka deganayd. Maxaa yeeley xuquuq derisnimo iyo xuquuq xigaalo ayay kala mudnaayeen. Laakiin nasiib-darradu waxay ahayd in iyagii qudhooda uu damac ka galay in ay qayb ka helaan soomaalidan la boobayo. Halkaas ayaa Soomaaliya waxay ku noqotay jasiirad la go’doontay tilmaan ah Agoon Ayaan-daran.

Dowladihii afarta ahaa ee boobka ku qaatay dhulkii ay ku dhaqnaayeen beelaha Soomaaliyeed, kama ayan raagin in mid waliba ay ka faa’iideysato gobolladii ay nasiibka u heshey. Hadba sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen hantida ma-guurtada ah ee ceegaagta dhulkaas ayay mid waliba ku dhaqaaqdey.

Faransiiska markii uu gacanta ku dhigay gobolka Jabuuti wuxuu bilaabay qaabkii ugu haboonaa oo uu dakhli kaga samayn lahaa. Wuxuu ku fekerey in uu degmada ka dhiso dekad wayn, taas oo u adeegta gudaha dalka Itoobiya. Islamarkaas wuxuu raacshay dhismo-hoosaad xiriiriya dekadda iyo dhulka gudaha ah. Ujeeddadu waxay ahayd in dekadda loo helo hannaan gaadiid oo wixii ka soo degaya gaarsiiya dhulka gudaha ah, wixii ka dhoofayana ka keena gudaha oo soo gaarsiiya dekadda. Shirkaddii ugu horeysey ee qaadatay dhismaha waddada tariinka ee isku xira Jabuuti iyo Addis-ababa waxaa la yiraahdaa Compagnie Impériale des Chemins de Fer Éthiopiens.

Xubno ka tirsan aqalka boqortooyada ee Itoobiya ayaa si xooggan uga hor yimid dhismihii waddadan. Dad-waynuhuna bannaan-baxyo diidmo ah ayay ku muujiyeen sida ay uga soo hor-jeedaan. Iyagu waxay ahaayeen dad madax-bannaan oo diidi karay wixii ay gar-darro u arkaan. Sidaa darteed waxay ka biya diideen tariinka dhulkooda la marinayo oo hantida ka sameynayaan dad shisheeye ah. Waxaa kaloo diiddanaa dhismaha waddada tariinka, maamulka Ingiriiska ee ka jiray gobollada waqooyi ee Soomaaliya. Iyagu waxaa u muuqatay in uu hoos u-dhac ku imaanayo adeegga dekadda Seylac oo Ingiriiska gacanta ugu jirtay.

Ugu-danbeyntii Itoobiya iyo Boqorkeedii ahaa Menelik II-aad waa ay oggolaadeen dhismihii waddada tariinka ee xiriirisa Jabuuti iyo Addis-ababa. Wada-hadalka la xiriira dhismaha waddada tariinka, Faransiiska iyo Itoobiya waxay bilaabeen sanadkii 1889-kii. Waa markii la caleema saarey boqor Menelik II-aad. Waxaa si buuxda heshiisku u dhacay sanadkii 1893-kii. Alfred Ilg oo ahaa ijineer u dhashay dalka Swiss ayaa Menelik uga wakiil ahaa wada-hadalka. Isla ninkaas ayaa wuxuu uga wakiil ahaa Menelik, barnaamijkii dhismaha waddada Tariinka. Menelik waa uu diiday in uu wax dhaqaale ah ku bixiyo dhismaha tariinka. Wuxuu kaloo dalbaday, saamiga shirkadda in isaga qeyb lagu magacaabo. Islamarkaas faa’iidada kala-bar uu qaato, isla-markaas is-gaarsiin telegaraaf ah in shirkaddu ay ka dhisto waddada tariinku maraayo. Isaguna wuxuu bixiyay oggolaansho la xiriira in shirkaddu yeelato waddada iyo howlaheeda muddo 99 sano ah.

Faransiiska markii uu oggolaadey shuruudihii Menelik, wuxuu guda-galay in uu dhankiisa ka bilaabo dhismihii tariinka. Shaqaalaha ka adeegayay dhismaha, intooda badan waxay ahaayeen Soomaali. Waxaa weheliyay carab. Injineerada dhismaha iyo maamulka waxay ahaayeen Faransiis. Waxaa weheliyay ciidamo Itoobiyaan ah oo iyagu shaqadoodu ahayd xasilinta nabadgelyada meelaha shaqadu ka socoto iyo in ay ilaaliyaan hantida meesha tiil oo ah qalabkii lagu shaqeynayay. Shirkaddii dhiseysey waddada tariinka waxay ka fogaatay in ay fara-gelin ku sameyso nolosha dadkii reer miyiga ahaa ee ku dhaqnaa dhulka baadiyaha ah ee uu tariinku marayay. Ma ayan dooneyn in kacdoon kaga yimaado dadka reer miyiga ah ee degaanka ku dhaqan. Waxay u daayeen degaanadii iyo ceelashii ay biyaha ka cabayeen. Taasi waxay khasabtay in shirkaddu biyo u doonato ilo kale oo ka fog meelaha ay shaqadu ka socotay. Sidaa darteed, howshii oo aanan gaarin xuduuddii ay sameysteen Faransiiska iyo Itoobiya, ayaa dhaqaalihii loogu tala-galay howsha uu gabaabsi noqday.

Caajis dhaqaale oo ku yimid darteed ayaa shirkaddii waxaa ku yimid howl-gab. Dabadeed howshii waxaa howshii dhismaha ku soo biirey koox saamiley ah oo u dhashay dalka Ingiriirska. Waxay isku magacaabeen New Africa Company. Iyagu waxay mashruucii dhsimaha u raadiyeen saamiyo hor leh. Kadib markii ay dhaqaale u heleen ayay shaqadii dar-dar geliyeen oo muddo dhowr sano ah ay howl adag ka qabteen. Sanadkii 1901-dii, howshii socotay waxaa mar kale ku soo biiray oo dhaqaale ku darsaday saamiley Faransiis ah. Shirkaddii markaas waxay la baxday magaca ahInternational Ethiopian Railway and Constraction Company. Waxay noqotay mid si buuxda ula wareegta dhismaha iyo maal-gelinta waddada tariinka ee la gaarsiinayo Addis-ababa. Qorshaheeda koowaad wuxuu ahaa in waddada ay gaarsiiso degmada Dirir-dhabe.

Taasi waxay dhalisay in ay isku dheehmaan masaalixdii Ingiriiska iyo Faransiiska ay ka lahaayeen geeska Afrika. Iyada oo labada dowladood uu mid waliba damac gaar ah ku jiro ayaa misana maal-qabeennadii saamileyda ahayd waxay ku khasbanaayeen in ay isu kaashadaan dhismaha waddada tariinka. Dabadeed labadii dowladood ee Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa mid waliba waxay bilawday sidii ay uga sad badsan lahayd tan kale. Dalabaadkii iyo cadaadiskii labada dowladood ay ku kala xarig jiidanayeen, waxay ku dhacayeen Imbraadoor Menelik. Taasi waxay sababtay, sanadkii 1902-dii in Imbraddor Menelik uu diido barnaamij la xiriira in waddada tariinka la gaarsiiyo degmada Harar.

Shakiga uu Menelik ka qabay damaca labada dowladood ee waawayn, gaar ahaan Faransiiska ayaa mar walba wuxuu dib u dhigayay wada-hadalka dhismaha waddadan iyo wixii heshiis ah oo si dhakhso ah looga gaari lahaa. Taasina waxay dib u dhigtey xilligii shirkaddu ay ku bixin lahayd deymankii laga doonayay in ay soo celiso. Waxaa lagu khasbanaa in waddada si deg-deg ah lagu gaarsiiyo degmooyinka waawayn oo loogu tala-galay in ay u adeegto si loo helo dhaqaale u soo laabta saamileyda. Taasi waxay albaabada u furtay in Ingiriiska iyo Faransiiska ay isu tanaasulaan oo isu soo dhowaadaan.

Sanadkii 1904-tii ayaa labada dowladood ee imbriyaaliga ahaa waxay dhigteen heshiis is af-garad oo isu soo dhoweynaya aragtiyaalkii guud oo ay isku diidanaayeen. Heshiiskaas oo labada dowladood ay kala saxiixdeen 8/ 4- 1904-tii, ayaa wuxuu ahaa mid ay ku hagaajinayaan khilaafaadkii badnaa oo ka haystay dhamaan waddamada cari-edeg oo ay gumeysanayeen. Kama marayn heshiiska in uu wax ka taabto dhismaha waddadan. Inkasta oo heshiisku uu iridaha u furay maal-gelin mideysan in Ingiriiska iyo Faransiiska ay kaga qeyb-qaataan dhismaha waddada, misana caqabado ayaa ku yimid howlihii shirkadda. Sidaa darteed sanadkii 1906-dii shirkaddii fallis ayaa ku dhacay.

Sanadkii 1908-dii, hantidii ay shirkaddu lahayd waxaa lagu wareejiyay shirkad cusub oo la yiraahdo Compagnie de Chemin de Fer Franco-Ethiopien de Jibuti à Addis Abeba, taas oo oggolaansho u heshey in ay dhismaha waddada tariinka gaarsiiso magaalada Addis-ababa. Dood iyo khilaaf sanad socday oo dhex-martay hantiilayaashii hore iyo shirkadda, dabadeed waxaa dib loo bilaabay dhismihii waddada tariinka. Sanadkii 1915-kii waddadii waxay gaartay degmada Akaka-beseka oo Jabuuti u jirta 763 km. Addis-ababana u jirta 23 km. Bishii juun 1917-kii waddadii tariinka waxay gaartay Adis-ababa. Halkaas ayaa waxaa ku xasilay istraateejiyaddii siyaasadeed oo Faransiiska uu u qabsaday gobolkan Soomaaliyeed.

Casharkii 2aad

June 23, 2011

Bilowgii qarnigii XX-aad, xilliga maamulkii Faransiiska uu ku howlanaa mashruuca dekadda Jabuuti iyo dhismaha waddada tariinka, aragtida Soomaali wayn waxaa ololkeeda ay ka hureysey gobollada waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed ee Soomaaliya. Waxay caga-dhigatay labada gobo lee hadda lagu magacaabo Sool iyo Nugaal. Waxaa halkaas degey halgankii hanaqaadka noqdey ee uu horseedaha ka ahaa Sayid Maxamad Cabdulle Xasan. Dhaqdhaqaaqaasi wuxuu ahaa mid quudinayay aragtida ku dhisan in gumeysiga lala dagaalamo oo loo diido in uu si buuxda uga taliyo ciidda Soomaaliyeed. Dareenka uu xambaarsanaa dhaqdhaqaaqu wuxuu ahaa in fikraddaas la wada gaarsiiyo gobollada ay Soomaalidu degaan dhamaanood.

Nuskii danbe, 20-kii sano oo ay halgamayeen, Daraawiishtu waxay ahayd dowlad leh barlamaan iyo xeer. Waxay isu arkayeen in ay masuul ka yihiin ciidda Soomaaliya. Markasta oo ay dhambaallo is-dhaafsadaan xoogagga mustacmarka ah, Sayidku wuxuu u muuqdey nin u hadlayay dhamaan beelaha Soomaaliyeed. Suugaantii badneyd oo Sayidku uu waxaa laga fahmayaa sida uu u doonayay in aragtidiisa uu xoog ku gaarsiiyo beelaha Soomaaliyeed. Tixahan aanu tusaalaha u soo qaadaneyno waxay markhaati ka yihiin siduu u doonayay in Soomaaliya uu gacanta ugu dhigo.

Dagaalladii cuslaa ee Sayid Maxamad uu waalidka ka ahaa, intooda badan waxay ka dhaceen gobollada waqooyi-galbeed, kuwaas oo Ingiriisku uu xilligaas qeybna degey qeybna ku sii socdey. Waxaa xusid mudan laba meelood ayaa joogitaanka shisheeyaha uu ku xoogganaa. Waxay ahaayeen Xamar iyo Ber-bera. Gobollada bariga iyo bartamaha, Talyaanigu weli ma uusan caga-dhigan oo laba saldanadood ayaa Soomaalida uga dhisnaa. Degmada Baargaal iyo degmada Hobyo oo labaduba ay ku sii jeedaan bad-waynta Hindiya ayaa u kala ahaa magaalo-madax.

Dabayaaqadii qarnigii XIX-aad, labadaas maamul iyo Talyaanigii waxay dhigteen heshiis maxmiyadeed. Laakiin waxay u madax-bannaanaayeen hannaankooda is-maamul ee gudaha, xiriiradooda ganacsi iyo dhismaha ciidamadooda. Labadaas maamul, inkasta oo goor danbe ay colloobeen dhaqdhaqaaqii Daraawiishta, misana colaadda dhex-martey waa ay koobneyd. Sababtu waxay ahayd, waa marka koowaade, sanooyinkaas hore labada maamul waxay soo dhoweeyeen qadiyaddii ay Daraawiishtu u joogsatey. Sanooyinkii danbe oo ay colloobeen, hoggaanka Daraawiishtu wuxuu ogaa labada saldano in ay u dhisnaayeen ciidamo xooggan oo iska caabiyi kara weerarkooda. Islamarkaas ma jirin maamullo reer Yurub ah oo si toos ah faraha ugula jiray noloshii dadkii ku dhaqnaa degaamada ay ka talinayeen labada saldano. Tusaale-dhig wanaagsan waxaa ah, Daraawiishta, iyaga oo Taleex fadhiya ayay u suuroobi wetdey in ay dhanka bari ay Dhuudo dhaafaan. Halka dhanka koonfureed ay si sahlan ku gaareen Beled-wayne.

Marka ay xaaladda Soomaaliya sidaas ahayd, dadku kuma ayan baraarugsanayn mashaariicda gumeynta iyo dhaxal-wareejinta ah ee la soo derestey noloshoodii. Sababtu waxay ahayd wacyiga dad-waynaha oo ahaa mid hooseeya. Beelaha Soomaaliyeed intooda badan reer miyi ayay ahaayeen. Maslaxad ay ilaashadaan oo dhaafsiisan dhulka ay xooluhu u daaqaan, ma ayan garanayn. Meelaha la oran karo wacyi ayaa yiil, islamarkaana illaa xad madax-bannaani ayay heysteen waxay ahayeen gobolladii ku guuleystey in ay taladooda ururiyaan. Waa saldanadihii ay ka talinayeen Boqor Cismaan Maxamuud, Suldaan Yuusuf Cali iyo Suldaan Maxamuud Cali Shire. Iyaga qudhoodu ka anfariireen Sayidka markii uu diley Garaad Cali (Garaadkii beelaha Dhulbahante). Islamarkaas waxaa jiray cadaadis kaga yimid dowladihii gumeysatada ahaa oo uga digey in ay ku dhowaadaan dhaqdhaqaaqa.

Sidaas si lamid ah ayaa qadiyaddii Soomaali-wayn ayan soo dhoweyn uga helin xoogaggii adduunka ee mustacmarka ahaa. Goor hore iyo goor danbe, iyagu waxay qadiyaddan u arkayeen arin khatar ku ah masaalixda ay ka leeyihiin degaankan istraateejiga ah. Daraawiishtii waxay markaas ku dhacdey xaalad lamid ah middii ay Soomaalidu ka maah-maahdey ee ahayd: Xaalad rag soo marta waxaa ugu xun goor midka aad u hiilineysidna uu ku garan waayo, kaad ka hiilineysidna uu ku garto.

Ingiriisku wuxuu ahaa dowlad fil wayn oo xoog leh. Xilligaas waxay safka hore ka taagneyd dowladaha danaha ka yeeshey degaanka. Sidaa darteed gulufyadii weerarka Daraawiishta, xooggoodii waxay qabsadeen maamulkii uu Ingiriisku lahaa iyo degaankii uu ka dhisey. Inkasta oo 100 goobood ay ka badnaayeen isku-dhicii ciidameed ee labada dhinac, misana kuwa magacyadooda ay dibad-baxeen waxaa kamid ah Beer-dhiga (1901), Af-bakayle (1901), Faradhiddin (1901), Cagaar-wayne (1903), Dharatoole (1903), Jidbaale (1904), iyo Dul-madoobe (1913). Dagaalladaasi ayaa intoodii badneyd ay guushii Daraawiishtu raacdey.

Sanadkii 1918-kii waxaa dhamaadey dagaal waynihii I-aad ee dunida. Dowladdii Ingiriiska waxaa soo waajahay walaac ay ka qaadey fowdadii adduunka ka dhacdey in ay sabab u noqoto in gacanteeda ay ka baxaan degaanadii ay gacanta ku heysey. Wasiirkii mustacmaraadka Lord Alfred Millner, oo ahaa ninka wal-walkaas xooggiisu uu ku dhacayay ayaa wuxuu arkayey, Soomaaliya in ay kamid tahay gobollada culeyska ku qabanaya dowladdiisa. Waxaa u muuqatey in uu Soomaaliya u soo diro ciidan xooggan oo soo af-jara shiddada ay Daraawiishtu ku heysey maamulka maxmiyadda ee British Somaliland. Lord Milner wuxuu ogaa in afar jeer ay dowladdiisu horey u qorsheysey weerar baaxad wayn oo ay ku soo af-jarto dhaqdhaqaaqa Daraawiishta. Laakiin ay si fool-xun ugu fashilmeen.

Lord Alfred Millner, Wuxuu qorshihiisa kala tashadey abaanduulihii ciidanka boqortooyada ee Ingiriiska Sir Henry Hughes Wilson. Sarkaalkan oo darajadiisu ay ahayd jeneraal ayaa wuxuu wasiirka u sheegey in arintaasi ay tahay mid u baahan kharaj aad u badan. Wuxuu xusey ugu yaraan laba qeybood oo ciidan ah in weerarka ceynkan ah uu u baahan yahay. Lacag malaayiin dhan ahna waxay ku baxayaan qalabkooda, gaadiideyntooda iyo dagaal-gelintooda. Hal qeyb oo ciidan ah tiradiisu wuxuu u dhexeeyaa 1000 – 15000 oo nin. Xoogga intaas le’eg ururintiisa iyo sahaydiisa, Ingiriiska inkasta oo uu awoodey, misana maahayn arin u sahlaneyd xilligaas. Gaar ahaan iyada oo uu ka soo baxay dagaal-waynihii I-aad ee dunida. (Anne Baker, From Biplan to Spitfire, pp. 161 – 162. 2003, London – UK).

Xoghayihii mustacmaraadka Lord Milner wuxuu markaas u yeertey sarkaalkii taliyaha ka ahaa ciidanka dhowaan la sameeyey ee ah ciidanka cirka. Taliyahaasi wuxuu ahaa General Hugh Trenchard. Xoghayuhu wuxuu sarkaalka ka codsadey in uu kala taliyo sidii uu ka yeeli lahaa colaadda kaga furan geeska Afrika. General Trenchard, wuxuu ahaa nin u arkayay ciidanka cirka in ay yihiin kuwo si gaar ah u fulinaya howlaha ay qabanayaan. Sidaa darteed wuxuu markiiba ku taliyay in howsha oo dhan loo xil-saaro ciidamada cirka ee boqortooyada. Xoghayihii mustacmaraadka ayaa markaas wuxuu soo jeediyay aragti ah in aanan laga maarmeyn cuntubyo kamid ah ciidanka dhulka. General Trenchard ayaa wuxuu ugu jawaabay, ciidanka mustacmaradda ee ku sugan degaanka in ay ku filan yihiin wixii howl ah oo dhulka laga qabanayo. (A Brief History of the Royal Air Force, HMSO. P. 63, C.J. Finn, 2004. London – UK).

Dabadeed waxaa la abaabuley kulan looga wada-hadlayay weerarka uu Ingiriisku soo qaadayo. Ragga goob-joogayaasha ka ahaa fadhigaas, waxaa kamid ahaa Winston Churchill oo isagu markaas ahaa xoghayaha dowladda ee dagaalka iyo dayuuradaha. Waxaa kale oo joogay fadhiga Leo Amery xoghaynta dowladda arimaha mustacmaraadka. Lord Alfred Milner, Sir Henry Wilson iyo General Hugh Trenchard.

Henry Wilson oo isagu ahaa abaanduulaha ciidamada Ingiriiska, si xooggan ayuu uga soo horjeedey in mashruuca dagaalka ay hoggaamiyaan xafiiska mustacmaraadka iyo ciidanka cirka. Laakiin Leo Amery. Iyo General Hugh Trenchard waxay ku adkeysteen in ayan ciidan sinaba u dalban oo aan ka ahayn ciidanka cirka. Ugu danbeyntii, abaanduulihii waa uu qancay. Sidaas ayaa qorshihii weerarka waxaa kula wareegey ciidankii cirka ee Ingiriiska. (Anne Baker, From Biplan to Spitfire, pp. 161 – 162. 2003, London – UK).

In Ingiriiska hubkii ugu danbeeyey uguna qalafsanaa uu u adeegsado dadkaas reer miyiga ah oo xaqooda difaacaya, waxay tilmaameysaa sida ay uga go’neyd in uu soo af-jaro colaadda. Sida muuqata wuxuu markaas ka leexdey qaabkii uu u dhigi jiray qorshayaashii hore ee dagaalka. Muuddadii 20-ka sano ahayd oo dagaalkaasi socdey waxaa Ingiriiska ka soo gaaray khasaaro baaxad wayn oo naf iyo maal leh. Waxaa kaga darneyd sumcad xumida magaciisa ay gaarsiinayeen wiilashii Soomaaliyeed ee geel-jirta ahaa. Qorshahan cusub wuxuu ahaa in uu xoogga saaro weerarka dhanka cirka ah. Waxaa xusid mudan, ciidanka cirka ee Ingiriiska (RAF – Royal Air Force) in uu xilligaas dhisan yahay muddo ah hal sano oo keliya. Ciidankaas ayaa waxaa la asaasey sanadkii 1918-kii. Xilliga la dejinayo qorshaha weerarkan waxay ahayd bartamihii sanadkii 1919-kii.

Saraakiishii Ingiriiska ee qorshaha dagaalkan dhigey waxay tilmaameen faa’iidooyinka uu leeyahay weerarka xagga cirka ah oo lagu qaadayo xarumaha Daraawiishta. Iyagu waxay qodobeeyeen dhibcaha uu kaga duwanaan doono dagaaladii ay horey ula galeen dhaqdhaqaaqii Daraawiishta. Waxay ku xuseen sidan:

Muddo lix bilood ah oo ku beegan nuskii danbe sanadkii 1919-kii ayay socotay howsha diyaargarowga. Bartamihii sanadkii 1919-kii, waxaa Cadan lagu ururshey qalab xoogan oo isugu jira matooro dayuuradeed iyo wixii agab ahaa oo kale oo laga dhisi lahaa dayuuradaha. Waxaa kale oo halkaas lagu keydiyay rasaas, bansiin iyo bambooyin qaraxyo mug wayn oo lagula diriro Daraawiishta. Agabkaas ayaa dhamaantiis wuxuu ka soo degey dekadda Ber-bera. Si looga qariyo indha Soomaalida, waxaa loogu sheekeeyey in waxaan degaya ay yihiin qalab shirkadeed oo lagu baarayo batrool. Howshaas waxaa masuul ka ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka circa, kaas oo la yiraahdo Cap. R. Gordon.

Bishii November 1919-kii ayuu Cap. Gorden wuxuu ka soo degey magaalada Ber-bera. Waxaa la socdey injineerkii u cayimi lahaa dhulka garoonka noqonaya iyo saraakiishii howl-wadeenada ahaa. Wax calaamad ah in ay ciidan yihiin ama ay duuliyayaal yihiin kama ayan muuqan. Meel 140 km. u jirta Ber-bera ayay ka bilaabeen laba howlood. Mid waxay ahayd ceel qodid oo ay indhaha dadka isaga duwayaan. Midda kale waxay ahayd dhul-sallixid oo ah halkii ay dayuuraduhu ka duuli lahaayeen. Ayaamo kadib, howl middaas lamid ah ayay Burco dibaddeeda ka bilaabeen. Bartamihii bishii disember, waxaa Ber-bera ka baxay oo dhanka burco ku dhaqaaqey 2.000 oo rati, kuwaas oo sidey wixii sahay ahaa oo lagu dagaalami lahaa. Lix cisho ayuu socdaalkii qaatay. Dabadeed waxay gaareen degaankii Burco. (An article for The Anglo-Somali War 1901-1920. Dansk Militærhistorisk Selskab – Chakoten, Major B. Axel, april 1982, Copenhagen – Denmark).

30/ 12- 1919-kii, waxaa Ber-bera soo gaaray markabkii sidey dayuuradaha. Isla maalintaas, qunsulkii Ingiriiska u fadhiyay Ber-bera F. G. Archer, mid dayuuradihii kamid ah ayuu wuxuu u direy xarumihii Daraawiishta iyo degaamo kamid ah meelihii ay dadku ku badnaayeen. Ujeeddadu waxay ahayd in ay ku soo daadiso waraaqo digniin ah oo qunsulku ku saxiixan yahay. Wuxuu ku qorey in uu cafis u fidinayo qof kasta oo Daraawiishta raacsan oo isa-soo dhiiba. Waxaa kaloo ku qornaa abaal marino kala duwam oo la siinayo qofkii soo qabta dad Sayidka uu ugu horeeyo iyo kuwo kamid ah dag-joogayaashiisii iyo duriyaddiisii.

20/ 1- 1920-kii ayaa xaruntii Daraawiishta lagu bilaabay weerarkii xagga cirka ahaa. Taasina waxay maalin ka danbeysey markii la diyaariyay ciidankii dhulka ka weerartami lahaa. Inkasta oo bambadii ugu horeysey lala beegsadey aqalkii uu degganaa Sayidka, misana waxba kuma uusan noqon oo waa uu ka baxsadey. Afar cisho ayay dayuuradihii ku noq-noqonayeen degaanka, iyaga oo bambeynayay wax kasta oo nool oo dhulka uga muuqda. Ka-sokow dadkii ku le’dey bambooyinka, waxaa goobihii la weeraray ku baaba’ay bahaahim u badan geel fardo iyo ari. Dabadeed waxaa degaankii galay ciidankii tirada yaraa oo horey loo diyaariyay. Iyagu waxay ahaayeen ciidankii la oran jiray Somaliland Camel Corps. (An article for The Anglo-Somali War 1901-1920. Dansk Militærhistorisk Selskab – Chakoten, Major B. Axel, april 1982, Copenhagen – Denmark).

Weerarkaasi wuxuu soo af-jaray dhaqdhaqaaqii Daraawiishta iyo hankii ummadeed oo ay horseedaha u noqdeen. Dagaalkii dabadeed, Ingiriisku wuxuu ku xasiley gobolladii waqooyi iyo qeyb Ogaadeenya kamid ah oo uu gacanta ku hayay, uuse u ballan-qaadey boqorkii Itoobiya. Gobollada waqooyi wuxuu markaas u qeybiyay laba maamul. Degaamada xeebaha xiga oo uu ka yeeley meel maamul maxmiyadeed uu ka jiro. Wuxuu halkaas ka dhisey nadaam madani ah oo maxkamadihiisii leh. Degaamadii saldhigga u ahaa dhaqdhaqaaqii Daraawiishta, wuxuu ka dhigey meel uu ka jiro maamul ciidameed (military adminstration). Taasina macnaheedu wuxuu yahay qalab kasta ee degaanadaas yiil iyo hannaan-nololeed walba ee ka dhisan wuxuu si toos ah u hoos imanaysay xarumaha looga adeego ciidanka. Sababtu waxay ahayd in la cadaadiyo beelihii Soomaaliyeed ee sida xooggan u taageersanaa dhaqdhaqaaqii Daraawiishta.

Gobollada Soomaaliyeed ee Ingiriisku gumeysanayay waxay xilligaas kaga duwanaayeen kuwa kale, iyada oo xilligaas ay ka jirtay saboolnimo iyo dhaqaale xumi. Inkasta oo colaadihii xoogganaa oo muddada 20-ka sano ah ka socday gobolladaas ay raad ku lahaayeen saboolnimada halkaas tiil, misana sababo kale oo la xusi karo ayaa jiray. Marka gobolka la bar-bar dhigo gobollada kale, waxaanu heleynaa Jabuuti oo ay ku dhaqnaayeen Soomaali iyo Cafar, ayaa dadkaasi ay ka tira yaaraayeen kuwa ku dhaqan gobollada waqooyi. Islamarkaas, mashruucii dhismaha dekadda iyo waddada tariinka, waxay noloshoodii ku soo kordhisey ilo dhaqaale. Gobollada koonfureed, ayaa iyaguna Talyaanigu wuxuu geliyay maal-gelin xooggan. Mashaariic beero ah oo waa-wayn ayuu ka abuuray dhulka ay webiyadu maraan. Sidoo kale, laba mashruuc oo xooggan ayuu ka dhisey Xaafuun iyo Caluula. Midna cusbada ayaa laga dhoofin jiray midna Beeyada. Gobollada dhexe qudhooda hargaha iyo subagga ayuu ka dhoofsan jiray. Gobollada galbeedka ah, iyagu waxay ahaayeen dad xoolo raacato ah oo maamulkii Xabashida uusan weli soo gaarin. Waxay haysteen dhul ka biyo iyo baad badan gobollada waqooyi. (Somali Nationalism, Saadia Touval, 1963, p. 102, Massachusetts – USA).

Waxaa intaas weheliya Ingiriiska oo aanan marna ku tala-gelin in uu gobolladan ka dhiso dhismo-hoosaadyo iyo ilo dhaqaale. Sababta uu degaankan u daneynayay waxay ahayd oo keliya arin ah istraateejiyad siyaasadeed. Sidaa darteed, wixii dagaalkii Daraawiishta ka danbeeyey, arinta keliya oo maamulkii Ingiriiska uu ku dadaaley waxay ahayd in uu soo celiyo xasilloonidii degaanka iyo in uu ururiyo cashuur loogu adeego maamulka (The State and Rural Transformation in Northern Somalia, Abdi Ismail Samantar, 1989, p. 45, Wisconsin – USA).

Casharkii 3aad

July 1, 2011

Markii laga itaal-roonaadey dhaqdhaqaaqii dagaalamayay ee Daraawiishta, waxaa xigey ciidda Soomaaliya in ay noqoto meel ay ku baratamaan xooggagii shisheeye ee damaca ka lahaa degaanka. Gobollada galbeedka waxay kamid ahaayeen goobahaas la tilmaansadey. Fadhigii Berliin (1884-1885) ee lagu qeybsadey degaamada qaaradda Afrika, maahayn mid lagu xadeeyey xudduudihii ay kala qaadan lahaayeen xoogaggii boobka ku socdey. Laakiin degaamadii ay ku foofi lahaayeen, si guud ayay u magacawdeen. Dowladuhu waxay markaas ku kala duwanaayeen sahamada iyo arahyada u kala joogey degaamada ay ku socdeen iyo xogta ay ka hayeen. Cid kasta oo degaanadaas la tilmaansadey ay horey u gaareen arahyadooda, waxay ka xog-ogaalsanaayeen kuwii ay arahdoodu goor danbe timid degaanka. Waxaa halkaas ka dhashay in xoogaggii shisheeyaha ahaa ay boobkii ku kala dhul badsadaan. Taasi waxay sabab u noqotey, Ingiriiska iyo Faransiiska in ay qeyb libaax ka helaan dhulkii qaaradda Afrika.

Sida aanu soo xusney, xilligii ay is-weydaananayeen labada qarni (XIX-aad iyo XX-aad), xoogaggaasi waxay kala boobayeen dhulkii ay xuduudda u sameysan lahaayeen. Dhulkii ay Soomaalidu ku dhaqneyd, Jabuuti iyo gobollada waqooyi marka laga yimaado, gobolka Ogaadeenya ayaa isna kamid ah dhulka ay isha ku hayeen. Waxaa xusid mudan in xilliga sidaas loo boobayo dhulkoodii, Soomaalida wixii dabrayay oo ka hor-taagnaa in ay la garramaan cadowgan boobka ku haya, waxay ahayd iyaga oo wacyigooda uu hooseeyey. Qoys walba intaas ay ku dhaqan yihiin ayay xaaladdeeda ogaayeen. Wacyiga dowladnimo iyo garashada urursanaan in wax lagu difaacdo waa ay ku yareyd bulshada.

Dhulka gobolka Ogaadeenya wuxuu ahaa mid arahyadu ayan waxba ka ogayn wixii ka horeeyey dabayaaqadii qarnigii XIX-aad. Gobolka wuxuu ku jiraa dhulka gudaha ah oo wuxuu ka fog-yahay xeebaha dhaadheer ee ku teedan Soomaaliya, kuwaas oo ay ku imanayeen arahyada reer Yurub. Waxaa taas u weheliyay rag badan oo kamid ah arahdii reer Yurub ayaa lagu dilay gobolka. Sidaa darteed, nuskii danbe ee qarnigii XIX-aad, sahmiyayaasha reer Yurub waxay degaankaas u yiqiineen meesha dunida ugu khatarta badan.

Dhan kale, xilligaas Talyaaniga ayaa isaguna si xooggan u daneynayay gobolka Ogaadeenya. Isagu wuxuu kula baratamayay Itoobiyaanka. Laakiin hankii uu lahaa wuxuu ku jabey dagaalkii Cadawa (1896-kii) oo uu Itoobiya la galey, kaas oo si fool xun loogu jebiyay. Talyaaniga oo ahaa midka weerarka qaadey ayaa ujeeddadiisu waxay ahayd in uu isku qabsado oo maamulkiisa hoos geeyo degaanka bariga qaaradda Afrika. Ereteriya, Itoobiya iyo dhulka ay Soomaalidu degaan dhamaan ayuu doonayay in uu hal maamul ku urursho, isaguna uu ka taliyo.

Goor danbe ninka riyadaas u fuliyay Talyaaniga wuxuu ahaa hoggaamiyihii fashiistiga ahaa Benito Mussolini. Muddadii u dhexeysey 1935-kii illaa 1941-kii ayaa Talyaanigu uu ka talinayay dhamaan gobolladaas, kaddib markii uu weerar xooggan ku qaadey oo ku qabsadey Addis-ababa. Laakiin kuma uusan raagin oo markii uu ku jabay dagaalkii II-aad, ayaa dib looga kiciyay dhamaan dhulkii uu gacanta ku dhigey.

Boqortooyadii Xabashida ayaa iyaduna dhankeeda ka dooneysey in xukunkeeda ay ku ballaariso degaanka Ogaadeenya. Damaca Xabishada ee gobolkan wuxuu bilowdey markii Menelik II-aad uu ku xasiley degaanka Harar iyo inta ka shisheysa. Wuxuu markaas qorsheeyey in uu ku soo sikado dhulka buuraha ka hooseeya ee dooxooyinka ah. Isagu xilligaas ma uusan lahayn ciidan xooggan oo uu ku qabsado dhulka baaxadda wayn oo Soomaalida xoolo-raacatada ah ay ku dhaqan yihiin.

Imbraadoorka Xabashida degaanka oo uu la deris ahaa ayaa waxay siisey fursad aan lala wadaagin in uu kula wareego ka-talinta aayaha gobolkan. Wuxuu markaas bilaabay in uu xod-xoto xoogaggii shisheeyaha ahaa ee gobolka soo gaaray. Islamarkaas isaga oo si joogto ah gobolka ugu soo diray ciidamo xooggan oo uu ku doonayay in uu ku xasiliyo maamulkiisa. Waxaa ugu horeeyey oo ciidamadii Menelik ay ku tallaabsadeen in ay Soomaalida qabadsiiyaan hannaan cashuur dhiibid ah.

“ Meelaha Itoobiyaanka u tilmaannaa waxaa kamid ahaa dhulka u dhexeeya Harar iyo degaamada Soomaaliyeed oo Ingiriisku heystey. Si maamulka Itoobiya loo xasiliyo, sida caadadu ahayd waxaa weheliyay howl-gallo ciidameed ee lagaga soo hor-jeedey qabaa’ilka Soomaaliyeed ee degaanka ku dhaqnaa. Sida qaalibka ah Soomaalidu waxay diidi jireen in ay cashuuraha siiyaan ciidamada Itoobiya. Markaas ayaa inta tuulooyinkooda la galo xoog looga soo qaadi jiray cashuurta “. (Somali Nationalism Saadia Touval. 1963. P. 73-74. NY – USA).

Soo if-bixii dhaqdhaqaaqii Daraawiishta, wuxuu ahaa mid hor-taagnaa mashruucii Menelik uu ku doonayay gobolka. Islamarkaas Soomaalida ku dhaqan gobolka, dhaqdhaqaaqa Daraawiishtu wuxuu ku abuurayay han ay ku diidi karaan hoggaan-gelinta ay Xabashidu la doonayeen. Waxaa kaloo jiray culeyska soo food-saarey dadkii degaanka ee kaga imanayay dhanka Xabashida, wuxuu ku khasbayay in ay milicsadaan halganka ka socdey gobollada bariga ka xigey oo ay Soomaalidu wadeen.

Dhacdo raad ku yeelatey bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Ogaadeenya ayaa waxay ahayd geeridii ku timid Menelik II-aad. Inkasta oo Daraawiishtii oo dagaalameysey oo dhintey, misana arintaas sida ay hakad ugu keentey mashruucii dhismaha waddada tariinka Jabuuti Jabuuti ayay hakad u gelisey dhaqdhaqaaqii ciidamada Xabashida eek u soo sikanayay Ogaadeenya. Geeridii Menelik-IIaad dabadeed, carshigii Imbraadooriyadda waxaa loo doortey wiil dhalashadiisu ay ka soo jeeddo Oromo. Kaasi wuxuu ahaa boqorka ay Xabashidu u taqaan Lidj-yasu, Soomaaliduna u taqaan Ilyaas.

Boqorkan cusub waxaa dhalay gabadha la yiraahdo Shewa Reggae. Iyadu waxay kamid ahyd labada gabdhood oo Imbraadoor Menelik uu ifka kaga tegey. Wiilkan ayaa markuu dhashay, hooyadiis oo ina Menelik ahayd darteed wuxuu la heley darajada mudnaanta ah ee la yiraahdo (Knight Grand Cross of the Royal Victorian Order). Waa caddeyn wax ku-lahaanshaha dhaxalaka boqorka. Boqor Ilyaas aabihiis (Ras Mikael) wuxuu ahaa nin asalkiisu yahay Orormo. Waxaa la oran jiray Yuusuf. Isaga oo wiil yar ah ayaa waxaa soo korsadey Menelik. Wiil qurux badan oo fir-fircoon ayuu ahaa. Menelik ayaa ka beddeley magicii uu lahaa iyo diintii uu heystey wiilka yarka ah. Markii Ras Mikael uu weynaadey, Menelik ayaa ku daray labadiisa gabdhood middii yareyd. Waxaa magaceeda la oran jiray Shewa Reggae. Iyada iyo Ras Mikael waxay iska dhaleen wiilkan heley dhaxalkii awoowihiis Ilyaas oo Xabashidu ay u taqaan Lidj-yasu.

Wiil kale oo Menelik awoowe u aaha ayaa jiray, kaas oo la oran-jiray Dejazmach Wosan Seged. Waxaa dhalay gabadha la yiraahdo Zoudite oo ahayd curaddii Menelik. Sida u caadada ah hannaan walba oo keligi taliye ah, in marka odeygu gaboobo ay talada isku qabsadaan kuwii dhaxalka lahaa, ayaa markuu Menelik xanuunsadey waxaa taladii ku hardamay xubnihii qoyska. Qofka ugu dhowaa waxay ahayd xaaskiisii yaraa Taitu Batu. Iyada oo adeegsaneysa awoodda ay ku heysatey aqalka uu Menelik jiifey ayay aqalkii iyo taladiiba waxay ka eridey qof kasta oo ay isku xumaayeen. Waxaa kamid ahaa gabadhii wayneed ee Menilik, taas oo la oran jiray Zoudite. Inkasta oo gabadhan ay goor danbe soo noqotey, misana markaas hore iyada iyo wiilkeedii ahaa Dejazmach Wosan Seged waxay ku qadeen dhaxalkii carshiga.

Bartamihii bishii disember 1913-kii ayuu dhintey Menelik II-aad. Maalintuu dhintey waxay ku began tahay 13 – 15 bishaas. 10 cisho ku dhowaad waa la qarinayey geeridiisii. Ujeeddadu waxay ahayd muran ka jiray qofkii dhaxli lahaa carshiga iyo cabsi laga qabay in ay kala fur-furato imbraadooriyaddii uu xoogga ku dhisey. Doodihii badnaa ee la xiriirey dhaxal-qeybsiga iyo murankii qoyska dhex-maray, wax raad ah lagama reebin. Laakiin dadkii dhaxalka lahaa waxay isku af-garteen in ay caleema-saartaan Ilyaas markey taariikhdu ahayd 10/ 1- 1914-kii.

Dhowr bilood dabadeed, adduunka waxaa ka qarxay dagaal-waynihii I-aad (28/7-1914). Madaxdii Itoobiya, gaar ahaan wasiiradii la shaqeyn jiray Menelik, waxaa cabsi geliyay guulihii bilowga ahaa oo ay gaareen garabkii bartamaha ahaa (Central Powers) eek a soo hor-jeedey xoogaggii iyada wax la wadey. Iyada oo cabsidaas ay jidho ayaa Imbraadoor Ilyaas, bishii febrauari 1915-kii, wuxuu u safrey degmada Harar. Isagu waxaa fajaciso ku noqotey dhismihii magaalada iyo dhaqankii dadka halkaas ku noolaa. Wuxuu magaalada ugu yimid ilbaxnimo ka sareysa tii Addis-ababa tiil.

Isagu markii ugu horeysey ee uu booqdey masaajidkii waynaa ee degmada Harar, saddex saac ayuu ku dhex-jiray. Arintaasi waxay tuhun ku abuurtey dowladdii Addis-ababa ka dhisneyd. Waxaa intaas dheeraa dowladihii bartamaha ee dagaalka ku jiray, gaar ahaan Jarmalka iyo Turkida, ayaa waxay faafiyeen in Itoobiya ay dhankooda raacsan tahay. Sidaas darteed ay diyaarisey ciidan tiradiisu dhan yahay 50.000 oo nin, kuwaas oo Talyaanigana ka saaraya Ereteriya, Ingiriiskana Suudaan, Faransiiskana Jabuuti. (The Liffe and Time of Menelik II Ethiopia, p. 19, Marcus Harold G. 1995, Lawrenceville – USA).

Waxaa iyana jirtay in Imbraadoor Ilyaas uu booqasho ku tegey degmada Jabuuti. Socdaalkaas oo uusan ogeysiin qunsulkii Addis-ababa u fadhiyay Faransiiska iyo xataa guddoomiyihii gobolka uga masuulka ahaa Faransa. Arintaasi wal-wal ayay ku abuurtey xiriirkii Faransa ay la lahayd Itoobiya. Waxaa iyana Ingiriiskii shaki ku abuurey in Ilyaas uu booqdey degmada Jig-jiga oo halkaas uu Soomaalidii kula kulmey, islamarkaas uu xiriir la yeeshey dhaqdhaqaaqii Daraawiishta. Bishii agosto 1915-kii, Ingiriisku wuxuu heley caddeymo muujinaya in Imbraadoor Ilyaas uu kaalmo ciidan u direy dhaqdhaqaaqii Daraawiishta. Bishii sebtember Talyaaniga ayaa isna wuxuu ogaadey in Ilyaas uu ka baxay diintii masiixiyadda oo uu ku dhaartey kitaabka Quraanka ah in uu yahay Muslim. (TIsla marjicii jore, p. 21).

Falkaas uu Ilyaas ku kacay wuxuu ku doonayay in uu mideeyo xoogga uu odeyga ka yahay iyo xoogga Soomaalida ee kala baahsan. Dabadeedna muslimiinta aqlabiyadda ah ay ka taliyaan degaanka. Qoraallo ay is-dhaafsadeen isaga iyo Sayid Maxamad Cabdulle Xasan ayaa arintaas muujineysa. Sidaa darteed wuxuu u yeertey Soomaalidii iyo Oromadii degaanka ka dhowaa isaga oo cudud iyo xoog ka raadinaya. Soomaali badan ayaa Harar ugu tagtey si ay u cududeeyaan. Dhallinyaradaas Harar buuxise ayaa waxay ku dhaato cayaari jireen:

Ilyaas yimidoo
Abeed ma jidhee
Amxaarka uraaya
Ableyda geshay

Dabadeed qoyskii reer Menelik iyo wadaaddadii kaniisadaha aad ayay arinkii u dhibsadeen. Waxay bilaabeen olole ka dhan ah Ilyaas iyo siyaasaddiisa. Xoogaggii dagaalka kula jiray garabkii bartamaha qudhooda cudud ayay ka heleen. Dabadeed 17/ 9- 1916-kii, fadhi ay Addis-ababa ku qaateen qoyskii reer boqor iyo raggii talada la hayay, waxay ku guddoonsadeen in Ilyaas xilka laga qaado. Isla goobtii waxaa lagu caleema-saarey habaryartiis Zoudite. Taas oo 14 sano astaan u ahayd boqortooyada Itoobiya. Dabadeed sanadkii 1928-kii waxaa xukunkii Itoobiya kala wareegey nin la yiraahdo Tafare Makonnene. Isagu wuxuu goor danbe la baxay magac ah Xayle Selassie. Afka amxaariga macnaha magacan wuxuu yahay awooddii saddexleyda (Power of the Trinity). Magaciisaas ayaa laga fahmayaa in uu ahaa nin diinta masiixiyadda si xooggan u haysta. Islamarkaas wuxuu ka dhashay qoyska Menelik oo waxay sheegtaan in ay ka yihiin faracii nebi Suleymaan. Iyaasna ciidamo xooggan ayaa lagu kiciyay oo so oaf-jaray awooddiisii iyo maamulkiisii.

Xukun isku-qabsigaas iyo isbeddellada maamulka ee ka jiray aqalkii looga talinayay Itoobiya, waxay dhalisey in ay dib u dhigto foofkii ay ku doonayeen ciidda gobolka Ogaadeenya. Jabkii ku yimid Daraawiishta dabadeed, maamulkii Xabashida ee dhul-boobka u socdey wuxuu isha ku qabtey labada degaan ee Soomaalidu ku dhaqan yihiin ee kala ah Howd iyo Reserved Area. Degaanka hore waa dhulka soke oo ay ku dhaqan yihiin soomaalida reer guuraaga ah. Degaanka danbe ayaa isna wuxuu yahay dhulka ay shishe oo ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ma-guurtada ah.

Xilliga xoogga Xabashidu uu gobolka uga imanayay dhanka galbeed, xooggii Talyaaniga ayaa wuxuu uga soo socdey dhanka bari. Meelaha ay labada qoloba abbaaranayeen waxay ahayd ceelasha ay reer miyiga ka cabaan. Waayo goobtaas ayaa laga ogaan karaa xaaladda ay ku sugan yihiin qoysaska ree miyiga ah. Isla goobtaas ayaa laga maamuli karaa noloshood. Sida aanu arki doono, inkasta oo foofkii Xabashida uu wakhti qaatey, misana iyaga ayaa kaga guuleystey Talyaanigii oo gacanta ku dhigey dhulkii ay horey u calaamadsadeen. Sidaas ayaa heyb-wadaagta ka sokow, gobolkiina wuxuu ku noqdey mid aafooyinka la wadaaga gobolladii kale oo Soomaalidu ay ku dhaqnaayeen.

Madoobaadayay xalay miyaan micida soo-feestey
Middoor caara oo kale miyaan meel kasta u boodey
Mudkey go’aye midigtaan ka jabay meel xun iyo seede
Milicda aan fadhiyo iyo waxaan muhasha reemaayo
Miskiin iyo sidaan ahay magaan xiirey madixiiye
Mashaqooyinkaan soo baxay murugtey laabtiiye
Gobanimo mid weeyee hadduu meero xariggeedu
Misbaaxiyo haddey kaa damaan muunaddiyo nuurka
Gacmo maran mugdaa kuu xigiyo meel xilliyo hooge
Dowladnimo nimaan maalahayn laga mid roonaaye
Mulki iyo awood iyo waqii malaha maamuuse
Mucsir weeye maalmaha adduun magan ha loo-yaabo
(Nuur Cali Qonof)

Casharkii 4aad

July 18, 2011

Wixii ka horeeyey dagaal-waynihii I-aad ee dunida (1914-1918), Ingiriiska iyo Talyaaniga heshiis ayay ku ahaayeen qeybsiga dhulka Soomaaliyeed. Laakiin markii uu dagaalkii dhamaadey, sida aanu arki doono, waxaa is-beddeley hoggaankii siyaasadda dalka Talyaaniga. Waxaa markaas bilaabatey, guud ahaan in si xooggan uu khilaaf u soo kala dhex-galo aragtidii siyaasadeed ee labada dal. Taasi waxay dhalisey in xataa ay isku khilaafaan dhulkii ay Soomaalida ka boobayeen. Meesha uu khilaafkaas ku dhacayay waxay ahayd gobolka Ogaadeenya oo Ingiriisku uu la doonayay Itoobiya. Talyaaniguna isaga ayaa doonayay in uu ku dhul-fidsado oo uu ku darsado gobolladii uu Soomaaliya ka heysetey.

Talyaanigu wuxuu qeybsigii Berliin nasiib ugu yeeshey degaanada ugu hodansan oo ay ku dhaqmaan qabaa’ilka Soomaaliyeed. Waxaa gacanta u galay dhulka ay ku taal xeebta dheer ee Soomaaliya ay la leedahay bad-waynta Hindiya. Dhererka xeebtaasi 2.000 km. waa ay ka badan tahay. Waxaa kaloo uu hantiyay gobollada ay maraan labada webi iyo gobolladii ay ka talinayeen labadii imaaradood ee ka dhisnaa Hobyo iyo Baargaal.

Degaanadaas koonfureed, Talyaanigu wuxuu ku soo galey qaab kiro ah. Dabayaaqadii qarnigii XIX-aad, ayuu degmooyinkaas ka kireystey suldaankii ka talinayay Sensibaar oo isagu sida uu sheegan jiray in dadka iyo dhulkaba ay ahaayeen hanti uu leeyahay. Suldaan Sayid Siciid Barqash wuxuu ahaa ninka sheeganayay in uu ka taliyo dhamaan degaanada ku yaal xeebaha bari ee qaaradda Afrika. Waxaa xusid mudan, oggolaanshaha uu Suldaan Barqash ka heley Soomaalida, in ay ahayd mid la xiriirta sheegashadiisii ahayd in uu yahay asharaaf oo uu fir ku leeyahay suubanihii Maxamad ahaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee). Degmooyinka Soomaaliyeed oo markaas uu sida tooska ah uga talinayay waxay ahaayeen Kismaayo, Baraawe, Marka, Xamar iyo Warshiikh.

Markii ugu horeysey oo Talyaanigu uu soo gaarey xeebaha koonfureed ee Soomaaliya, wuxuu yimid isaga oo ay gelbinayeen saraakiil iyo ganacsato ka tirsanaa maamulkii Sensibaar. Degmooyinkii Banaadir ayuu ku soo hor-marey. Dabadeed, sida heshiisku ahaa, waxaa lagu wareejiyey taladii degaanka. Markiiba waxaa ka hor yimid gadood teel-teel ah oo Soomaalidu ay ku diiddan yihiin in maamulka Talyaaniga uu soo caga dhigto dhulka Soomaaliyeed. Waxaa ugu waynaa kacdoonkii ka dhacay Jubbada Hoose iyo dagaalkii Biyamaal ee isna ka dhacay Shabeellada Hoose. Markii laga adkaadey Soomaalidii gadooddey, waxaa Talyaanigii u suuragashey in maamulkiisa uu si tartiib ah ugu baahiyo dhulkii gudaha ahaa ee uu u socdey. Gaar ahaan dhulka ku wanaagsan wax soo-saarka beeraha.

13/ 2- 1908-dii wasaaraddii arimaha dibadda ee Talyaaniga waxay soo saartey ogeysiis ay ku sheegeyso in dowladda Talyaaniga ay ku tala-jirto sidii ay uga faa’iideysan lahayd fursadaha ka jira dhulalka ay gumeysato. Dhulalkaasi waxay ahaayeen Ereteriya, gobollo kamid ah Soomaaliya (Koonfurta, bartamaha iyo bariga), laba gobollo kamid ah Liibiya waqooyiga (Tripolitania) iyo bariga (Cyrenaica). Meesha ugu muuqatey in ay ugu faa’iido badan tahay uguna tin-jilicsan tahay waxay ugu muuqatey in ay yihiin gobollada koonfureed ee Soomaaliya. Gaar ahaan dhulka webiyadu maraan.  Waxaa mashruucaas taageero xooggan la daba-taagnaa siyaasiyiin badan oo ka soo jeedey jasiiradda Sicily oo ah gobol wayn oo ku yaal koonfurta Itaaliya. Ragga xambaaray ololaha mashruucaas ninka ugu waynaa uguna cod dheeraa waxaa la oran jiray Francesco Crispi. Isaga iyo raggii la codka ahaa, waxay ujeeddadoodu ahayd in ay shaqo u abuuraan dadka ku dhaqan gobolka Sicily ee saboolka ahaa. Isla-markaas ay kabana dhaqaalaha dowladda.

5/ 4- 1908-dii barlamaankii Talyaaniga wuxuu dejiyay sharci la xiriira in la mideeyo gobollada Soomaaliya ee Talyaaniga hoos yimaada. Islamarkaas la siiyo magaca Soomaalidii Talyaaniga (Somalia Italiana). Awoodii mustacmaradda waxay markaas u qeybsantey saddex meelood. Mid waa awooddii barlamaanka Talyaaniga, mid waa aawooddii magaalo-madaxda (Xamar). Midna waa awoodda dowladda mustacmaradda. Awooddan danbe ayaa waxay ahayd midda keliya oo la beddelayo. Duqa magaalo-madaxda, isagu waxay awooddiisu ku eg-tahay ganacsiga dhoofaya, qiimeynta sarifka, kor u-qaadidda iyo dhimista cashuuraha gudaha ah iyo hagaajinta maamulka rayidka oo ay kamid yihiin ruqsadaha dhulka, ugaarsiga iyo kalluumeysiga. (Robert L. Hess. Italian Colonialism in Somalia, 1966, p. 102, Chicago – USA).

“ Muddo sanado ah ayaa (wasaaradda arimaha dibadda) waxay si joogto ah ugu dheganeyd, gobollada koonfureed ee mustacmaradda, gaar ahaan Banaadir iyo dhulka gudaha ah in si muuqata ay munaasib ugu tahay in la dejiyo dad badan oo Talyaani ah “.(Ex-Italian Somaliland. E. Sylvia Pankhurst 1951. with a forward by Peter Freeman. p. 90).

Qorshaha gumeysigu wuxuu ahaa hal-abuur kaabad dhaqaale oo si xooggan looga faa’iideysto. Xilligaas hore arinta Talyaaniga uu ugu baahida badnaa waxay ahayd beerista cudbiga. Tijaabooyin ayuu ka qaadey cudbi uu ku beerey koonfurta Soomaaliya. Waxaa uga soo baxay in cudbigaasi uu yahay mid ka tayo wanaagsan cudbiyada dunida laga qiimeyn jiray ee ah kuwa laga keeno waddamada Mareekan, Masar iyo Australiya. Islamarkaa Talyaaniga waxaa u muuqatay, dhulka ay maraan biyaha webiga Shabeelle, gaar ahaan gobolka Banaadir, cudbiga halkaas lagu beero in uu awood u leeyahay in uu dabooli karo baahida cudbiga ee wershadaha dalkiisa. Waxaa kaloo Talyaaniga uu xiiso u qabay khudaarta iyo faakihada ka baxda dhulalka cimilada kulul (tropical fruits).

Sidaas ayaa hannaankii siyaasadeed ee Talyaanigu uu ka dhisey Soomaaliya, wuxuu ku noqdey mid durbaba aanan ku baahin degaanada ay ku dhaqan yihiin Soomaalida xoolo-raacatada ah. Bal wuxuu si xooggan ugu urursanaa dhulka webiyadu maraan oo beeraha ku wanaagsan. Sababtu waxay ahayd, qorshihiisa hore ee la xiriirey fursadaha wax soo-saarka leh waxay ku jaan-go’naayeen degaankaas. Sabab labaad ayaa jirtay oo ahayd, Soomaalida xoolo-raacatada ah maahayn dad meel ku nagan oo u qabsoomi karay siyaasaddii gumeysiga. Awoodda gumeysigu ma gaarsiisneyn in uu la hayaamo qoysaska reer guuraaga ah ee hadba meel u hayaamaya. Isaguna dhaqaale xumi iyo shaqo la’aan dalkiisa tiil oo ka soo gaadhey dagaalkii I-aad ee dunida, ayuu doonayay in uu si deg-deg ah uga kabto.

Waxaa xusid mudan, barnaamijkii Talyaaniga uu ka lahaa Banaadir in uu ahaa mid la dejiyay intuusan nadaamkiisu ku baahin dalka Soomaaliya. Sanadkii 1908-ddii, wasiirkii dibadda ee Talyaaniga Tomasso Tittoni (1855-1931), wuxuu dowladda soo hor-dhigey barnaamij ku wajahan sidii looga faa’iideysan lahaa dhulka beeraha ku wanaagsan oo ay maraan labada webi Jubba iyo Shabeelle. Waxaa barnaamijkiisa kamid ahaa in dowladda Talyaaniga ay kharaj ku bixiso sidii loo hagaajin lahaa dhisma-hoosaadka gobollada koonfureed. Si gaar ah waxaa loo qorsheeyey in la dhiso waddooyinka isku xira Xamar iyo Luuq, Xamar iyo Baar-dheere, Xamar iyo Beled-wayne. Isla-xilligaas waxaa dalka Talyaaniga laga bilaabey dicaayad xoog badan oo loo sameynayo dhalinyarada iyo qoysaska u dhoofaya Soomaaliya si ay uga soo shaqeystaan. Waxaa arintaas garab taagnaa maal-gelin iyo dhul laga shaqeysto oo dowladda Talyaaniga ay u ballan-qaadey. (Isla marjicii hore. p. 91).

Isla-sanadkaas (1908-dii), fikrado mug wayn ayaa jiray kuwaas oo siyaasiyiinta Talyaaniga ay ku soo bandhigeen doodihii ay ku qabteen barlamaanka. Waxay la xiriireen sidii Soomaaliya loo dejin lahaa jaaliyad xoog badan oo Talyaani ah. Dowladdu waxay markaas jideysey, qofkii doonaya in uu Soomaaliya dego in uu ku baxo hantidiisa gaarka ah. Gacan uu dowladda kaga helayo socdaalkiisa ma jirin. Laakiin markii uu Soomaaliya gaaro, waxaa la siinayaa dhul-beeraad baaxaddiisu tahay 5.000 oo akre (acre), kaas oo u dhigma 43.560 cag oo afar-geesood ah. Waxaa u weheliya oo la siinayaa 500.000 oo liiro. Muddo toban sano ah ayay tahay in uu dhulkaas ka dhigo beer wax soo-saar leh. Muddada 5-ta sano ee hore, cashuur laga qaadi-maayo. Haddii uu muddadaas shaqo ku siiyo 15 qof oo Talyaani ah. cashuur-dhaafku wuxuu soconayaa muddo 10 sano ah. Inkasta oo dood dheer ay gashay aragtidaas, misana sanadkii 1909-kii iyadii oo aanan wax wayn laga beddelin ayaa barlamaankii laga ansixiyay.

Sidaas ayaa Talyaanigu wuxuu u abbaartey dhulka beeraha ku wanaagsan oo ay ku dhamaadaan biyaha labada webi ee Juba iyo Shabeele. Markaas ayaa qoysaskii Talyaaniga, iyaga oo wareento ah si deg-deg badan ugu soo qul-quleen geeska Afrika. Dhaqaalaha yar oo ay wateen qoysaska jaaliyadaha ee la doonayay in Soomaaliya lagu tallaalo, iyo hantida yar oo ay dowladdoodu ugu yaboohdey, maahayn mid ku fillaa si ay u caga-dhigtaan Soomaaliya. Waxaase barnaamijkoodii u cududeynayey, xoogga iyo hantida dadkii Soomaaliyeed oo ay boobka ugu socdeen. Kuwaas oo qorshuhu ahaa in dhulkoodana bilaash lagula wareego, xooggoodana bilaasha loo adeegsado.

Dabadeed waxaa bilaabatay qoysas tira badan oo Talyaani ah in ay ku soo qulqulaan degaanadii koonfureed ee Soomaaliya. Inkasta oo ay sheegtaan in ay il-baxnimo wadeen, misana imaatinkoodii kheyr uma ayan ahayn dadkii ku dhaqnaa degaanka.  Gunnimo iyo boob aanan hambo lahayn ayay dhaxleen dadkii Soomaaliyeed oo ay u yimaadeen. Dadkaasi ku soo qul-qulayay Soomaaliya, waxay u badnaayeen beeraleydii saboolka aheyd ee ku dhaqnaa gobollada koonfureed ee Talyaaniga.

Xilligaas waxaa jiray laba xoog oo Soomaalida u dhisnaa, kuwaas oo uu damac kaga jiray in maamulkooda ay soo gaarsiiyaan degaanka Banaadir. Xoog wuxuu ahaa saldanaddii uu Yuusuf Cali ka dhisey Hobyo, taas oo xuduudda koonfureed ee maamulkeeda uu ku ekaa degmada Ceel-buur. Xoogga kale wuxuu ahaa dhaqdhaqaaqii Daraawiishta, kuwaas oo iyaguna ay qalcaddii Beled-wayne astaan u ahayd xadka koonfureed dhulka ay ciidamadooda sida xorta ah u maraan. Labadaas xoog oo iyaga dhexdooda uu khilaaf ka jiray, halkaas ayuu ku kala ekaa xadkooda. Wacyiga bulshadii Soomaaliyeed ee ku dhaqneyd Banaadir wuxuu ahaa mid hooseeyey. Taasi waxay Talyaanigii siisey fursad ah in ay si fudud oo deg-deg badan u fulaan mashaariicdiisii.

Sanadkii 1920-kii waxaa la soo af-jaray halgankii dhaqdhaqaaqii Daraawiishta. Waxaa halkaas ka baxay xoog ku dagaalamayay magaca Soomaaliyeed oo ku wajahnaa xoogaggii shisheeyaha ahaa. Isla-sanadkaas, Talyaanigii badnaa ee soo degey Soomaaliya waxay dhiseen is-bahaysi ururinaya beeraleyda Talyaaniga ee ku sugan Soomaaliya. Waxaa lagu magacaabi jiray (SAIS – Societa Agricola Italo-Somala). Is-bahaysigan uu Talyaanigu ka dhisay koonfurta Soomaaliya waxaa odey ka ahaa wiil amiir ah oo la yiraahdo Luigi Amedeo (1873-1933). Waxaa awoowe u ahaa boqorkii Talyaaniga ee la oran jiray King Victor Emanuel II (1849-1861).

Jabkii Daraawiishta dabadeed laba sano, dalka Talyaaniga waxaa taladiisii la wareegey xisbigii fashiistada ahaa (Il Partito Fascista Repubblicano). Bishii oktoober 1922-kii ayaa xisbigaas oo xoog ku qabsadey taladii dalka, iyada oo uu taageerayo boqorkii Talyaaniga King Victor Emanuel III. Hoggaamiyihii xisbigaas Benito Mussolini (1983-1945), waxaa markaas ku daba-saftey dad-wayne tiro badan oo ka cabanayay dhaqaale xumi soo waajahdey dalka dagaalkii I-aad dabadeed. Isaguna nin af-tahan ah ayuu ahaa oo hadal ayuu ku qanciyay bulshadii raacdey. Waxaa xusid mudan fashiistada in ay tahay aragti siyaasadeed oo waddaniyad iyo qowmiyad salka ku heysa. Isla-markaas waa hannaan siyaasadeed oo hal xisbi uu talada u hayo, astaanna uu u yahay keligi-taliye dusha ka fadhiya, kaas oo aanan saamaxayn in la mucaarado. Waa aragti aanan xushmad u hayn xaq-dhowrka aadamiga.Giovanni Gentile oo kamid ahaa filosofiintii fashiistada, sida uu ku sheegey buugiisii uu ugu magac daray Mad-habta Fashiistada (La Dottorine del Fascismo), in aadamigu ku jiro hayaan uu isku kala qeybinayo dabadeedna ku dagaalamayo. Noloshiisana waxaa saldhig u ah iska hor-imaadka ay ku legdamayaan iyo guulaha ay kala helaan. (Mike Hawkins. Nature as Model and Nature as threat. Cambridge University Press. 1997. P. 285. London – UK).

Sanadkaas ay fashiistada xukunka qabsatay sanadkii xigay (1923-kii) waxay Soomaaliya u soo magacawdey nin dhiigya-cab ah oo la yiraahdo Cesare Maria De Vecchi (1884-1959). Wuxuu ahaa jeneraal ka tirsan ciidamadii shaatiga madoobaa (Blackshirts Army), kuwaas oo ka danbeeyey in fashiistadu ku guuleysato xukunka Talyaaniga. Isagu wuxuu kamid ahaa raggii ka danbeeyey halaaggii ay ciidamadaas u geysteen dadkii ka soo hor-jeedey ee Talyaaniga ahaa. C.M. De Vecchi wuxuu ahaa sarkaal arxan daran, siyaasi fashiistadu ku dhaarato, wuxuu ahaa gacantii midig ee Benitto Mussoline. Markay taariikhdu ahayd 5/ 12- 1923-kii, De Vecchi wuxuu soo gaarey Xamar. Laba sano dabadeed isaga ayaa Xamar u doortey magaalo-madax.

Waa ay muuqatey maamulkaas cunsuriga ah iyo guddoomiyaha ay soo magacaabeen, culeyska ay u geysanayaan bulshadii Soomaaliyeed ee gacanta ugu jiray. De Vecchi wuxuu markiiba bilaabey in uu ku shaqeeyo siyaasad gacan adag. Gaar ahaan dadkii beeraleyda ahaa ee ku dhaqnaa dhulka ay webiyadu maraan, wuxuu ku dhigey wax laga argagaxo. Talyaanigu wuxuu horey isu-siiyay wixii xuquuq ahaa ee dhulka la xiriira. De Vecchi wuxuu bilaabey in uu dadkii xoog uga raro degaamadii beeraha ku wanaagsanaa. Intaas ugama harine, wuxuu bilaabey in inta uu ururiyo uu ku shaqeysto. Kii diidana ciqaabtiisu dil ayay ahayd. Dhisma-hoosaadyadii uu u baahnaa wuxuu ku dhisey bulshadii Soomaaliyeed ee uu ugu tegey degaamadaas.

Xanuunka ay fashiistadu ku reebtey bulshadii Soomaaliyeed oo ay gumeysatay waxaa inoo muujinaya is-beddelkii ku yimid dhaqaalihii ay Soomaaliya ka heli jirtay dowladda Talyaaniga. Halka uu dhaqaalahaas dheelli-tirka faa’iidada ah uu ahaa sanadihii 1923-kii iyo 1924-kii 2.000.000 oo liiro iyo 5.000.000 oo liiro. Sanadihii 1926 iyo 1927 waxay noqdeen 100.000.000 iyo 130.000.000 oo liiro. Sanadahaasi waa sanadaha loo yaqaan Faashiistadii oo Dib u soo Celisey Hanashadii (Fascist Reconquest). Waa muuqataa bulshadii Soomaaliyeed ee beeraleyda ahayd in ayan deeqsinimo ka ahayn hantida intaas le’eg in ay ku kabana dhaqaalaha Talyaaniga. Bal xanuun badan ayaa weheliyay oo ay ku shaqeeyeen.

Hoogga iyo halaagga, maamulkii De Vecchi uu badey Soomaalida, waxaa tusaale-dhig u ah mashruuc biyaha webiga ku gaarsiinayay dhul aad uga fog meesha webigu maro. Waxay u dhowdahay degmada Qoryooley. Mashruucaas oo Soomaalidu ay ku magacaabeen Kelli-asayle, ayaa hir-gelintiisii waxaa ku dhintey dad tira badan oo Soomaali ah. Tira-badnida haweenkii aseyda qaadey oo raggooda ay halkaas ku dhinteen, ayaa magacaas loogu bixiyay. Dadkaasi waxay ahaayeen dadkii lagu shaqeynayay ee lagu qodayay kannaalka biyuhu marayaan. Iyagu waxay u le’deen baahi, dil ula-kac ah iyo cudurro ay kaneecadu ugu horeyso. Tiro kala duwan ayaa la sheegaa in Soomaali ay halkaas kaga dhimatey. Tirada ugu yar oo la sheego waxay tahay 26.000 oo qof. (Waxaan ka soo xiganey wareysi aanu la yeelanay Maxamad Saalax Ladane. 14/ 3- 2010. Boosaaso – Soomaaliya).

Dabadeed maamulkii Talyaaniga wuxuu ku baahay dhulka koonfureed ee gudaha ah. Sanadkii 1926-kii amiirkii Talyaaniga ahaa Luigi Amedeo, wuxuu odey ka noqday 16 tuulo oo ku yaal agagaarka magaalada Jowhar. Waxaa halkaas ku dhaqnaa beeralay Soomaaliyeed oo tiradoodu ay gaarayso 3.000 oo qof. Intuusan dagaalkii II-aad bilaaban, Soomaalida waxaa kula dhaqnaa degaanka 2.000 oo Talyaani ah. Iyagu waxay ka shaqeynayeen mashaariic waawayn oo tijaabooyinkoodii lagu guuleystay. Waxay isugu jireen beero iyo wershado. Degmada Jowhar waxay markaas qaadatay magaca gobolkii uu_Luigi Amedeo_ amiirka ka ahaa. Sidaas ayaa degmadii waxaa loogu bixiyay Villa Abruzzi.

Casharkii 5aad

July 19, 2011

Guddoomiyihii Talyaaniga ee fashiistiga ahaa (Cesare Maria De Vecchi), dib uma uusan dhigan in uu soo saaro xeerar uu ku adkeynayay maamulkiisa gumeysiga ah. Mid kamid ah xeerarkaas wuxuu ahaa qaanuun uu hubka kaga dhigayo qof kasta oo Soomaali ah. Waxay ahayd xilli laga soo baxay dagaalkii I-aad ee dunida. Ummadihii uu dagaalku qabsadey dhulkooda, geerida iyo bur-burka badan ka sokow, waxay ka dhaxleen hub fara-badan oo ku baahsan gobolladii dhulkooda. Soomaaliya waxay kamid ahayd ummadahaas uu dhulkoodu dagaalku heley. Waxaa u weheliya dagaallo ka horeeyey dagaal-waynaha iyo dagaallo ka danbeeyey ee gobollada Soomaaliya ay ahaayeen fagaaraha lagu hardamayay.

Soomaaliya, gobollada uu hubku sida xooggan ugu baahsnaa waxay ahaayeen gobolladii uu Talyaanigu doonayay in uu gumeysto. Inkasta oo dadka Soomaalida ah ayan xilligaas diyaar u ahayn in ay wareejiyaan xoogaaga yar ee hubka ah ee gacanta ugu jiray, misana hubkaas maahayn mid ay iskaga difaaci karayeeyn xoogga ciidamada Talyaaniga. Taasi waxay dhalisey gadoodkii ugu horeeyey ee Soomaalidu ay ku diidayeen xeerkan. Taasi waxay ahayd diidmo ka timid bulsho Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta dhulka uu maro webiga Shabeelle. Ninka horseedey diidmadaas wuxuu ahaa Shiikh Xasan Barsane Nuur. Isagu wuxuu ahaa shiikh raacsan dariiqada Axmadiya, kaas oo si xooggan looga xushmeyn jiray degaanka uu ku noolaa.

Cesare Maria De Vecchi, dhambaal qoraal ah ayuu u direy Shiikh Xasan Barsane. Isagu wuxuu ka dalbadey in uu hubka ka dhigo xertiisa iyo qabaa’ilka raacsan. Waxaa kaloo uu ka dalbadey in dadkaasi ay u hoggaansamaan maamulka cusub ee ka curtey koonfurta Soomaaliya. Xilligaas waxaa jiray qoryo tiradoodu lagu qiyaasey 1.600 iyo rasaas badan, kuwaas oo gacanta ugu jiray qabiilka uu Shiikhu ka dhashay iyo qaar kamid ah beelaha ay duddo wadaagta yihiin. Shiikh Xasan Barsane, intuusan ka jawaabin dalabkii De Vecchi, wuxuu fadhi u qabtey beelihii ku dhaqnaa degmooyinka u dhowaa. Waxaa kamid ahaa Jiliyaale, Ceel-dheere, Buur-gooyo, iyo Afgooye. Dadkii ka yimid degaamadaas, dhamaantood waxay Shiikha kula ballameen in ay garab-joogsadaan qadiyaddiisa.

Shiikh Xasan Barsane Nuur, wuxuu markaas noqdey nin u sharaxan  gadood uu kaga hor-tegayo maamul ka xoog wayn oo uusan ciirsi u heysan. Shiikhu wuxuu si gaar ah u diidey in uu hubka dhiibo, kaas oo ahaa qodobkii ugu horeeyey ee laga dalbey. Islamarkaas wuxuu si guud u diidey xeerka uu gumeysiga la doonayo in uu ku dhaqo degaanka. Dhambaal jawaab ah ayuu Shiikh Xasan uu u direy De Vecchi. Qoraalkii dhambaalka waxaa kamid ahaa sidan:

“ Waxaan ku bilaabanayaa magaca Eebaha leh naxariista guud iyo midda gaar. Waraaqdaadii waan heley, wixii ku qornaana waan fahmey. Laakiin waa in aan kuu sheegaa in annagu aynaan u hoggaansameyn amaradiina, islamarkaasna ayan suuragal ahayn in annaga iyo idinka aanu is-bahaysano. ……………….. Dowladdaadu waxay leedahay xeerkeeda, annaguna waxaanu leenahay xeerkayaga. Sidaa darteed annagu aqbali-meyno xeer aanan ahayn kaayaga. Xeerkayagu waa kii Eebe iyo kii adeegihiisii  suubanaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee). Annagu ma nihin sida dadka (soomaalida) kale. Nin naga mid ah ma dhicin in uu qortey ciidamada Zaptiè. Weligeed ma-dhicin. Haddiise aad inoo timaaddo si aad inoola dirirto, wax kasta oo suuragal ah ayaanu kugula dagaalameynaa. …………………  Ma aanu dooneyno in aanu adduunkaan joogno, bal waxaa inoo wanaagsan in aanu dhimano annaga oo u dagaalameyna difaaca xeerarkayaga “. (http://somaliswisstv.com/2008/07/11/who-was-sheikh-hassan-barsane).

Sida aanu soo sheegney De Vecchi wuxuu ahaa dhiigya-cab fashiiste ah. Si uu u meel-mariyo maamulkiisa fashiistiga ah, wuxuu ahaa nin u muhoonaya dilka dadka uu ka itaalka roon yahay. De Vecchi wuxuu guddoonsadey, Shiikh Xasan Barsane iyo dadka raacsan in uu ku bixiyo xoog ayan maaro u heleyn, si uu uga hor-tago gadoodka uu Shiikh Xasan qorsheynayo. Islamarkaas ay dersi ugu noqoto Soomaali kasta oo kale oo hor-joogsada mashruuca gumeynta. 29/ 3- 1924-kii, ciidamadii Talyaaniga waxay ku baxeen degaankii ay weerarka ugu socdeen. Xoogga ay ku weerartameen wuxuu gaarsiisnaa 800 oo nin.

” Waxaa ciidankaas kaalinayay laba horin oo ku hubeysan qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo laba madfac. Talyaanigu wuxuu ciidankaas ku weeraray tuulooyinkii kacaamay. Dagaal kulul oo saddex maalmood socdey wuxuu sababay in tuulooyinkii dhamaantood uu dab ka huriyo. Dabadeedna uu dadkii gumaado “. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 90, Muqdishow – Soomaaliya).

Muddadii u dhexeysey 29-kii – 31-kii bishii maarso 1924-kii, xooggii Talyaaniga wuxuu jebiyay Soomaalidii. Sida u caadada ahayd xoog walba oo gumeyste ah, ciidamadii weerarka ahaa, waxay gubeen aqalladii ka dhisnaa tuulooyinka iyo wixii agab ahaa oo ay dadku adeegsanayeen. Waxay gubeen beerihii, xoolihiina waa ay laayeen. Islamarkaas waxay gacanta ku dhigeen raggii gadoodka hor-kacayay oo  uu kamid ahaa Shiikh Xasan Barsane. Halkii ayaa xabsiga loogu taxaabay, Shiikhii iyo saaxiibadiis. Dhowr bilood dabadeed, Xamar ayaa maxkamad lagu saarey. Bishii julay 1924-kii, Shiikh Xasan waxaa lagu xukumey 30 sano oo xabsi ah. Laba sano iyo bar ayuu ku xirnaa xabsi Xamar ku yiil. Dabadeed markey taariikhdu ahayd 28/ 1- 1927-kii Shiikh Xasan Barsane ku geeryoodey xabsiga Xamar.

Talyaanigu markii uu gacanta ku dhigey gobolka Shabeellada Hoose, kama uusan raagin in uu beeraley Talyaani ah keeno dalka. Islamarkaas dadkii koytada ahaa wuxuu u boobey dhulkii beeraha ku wanaagsnaa ee webiga jiinkiisa ku yiil. Soomaalidii dhulka tabcan jirtey waa uu fogeeyey oo wuxuu dejiyay meelo ka dheer webiga. Wuxuu ku khasbey in ay xoog ugu shaqeeyaan beeraleyda Talyaaniga ah. Qofkii Soomaali ah oo shaqada gumeysiga hagrada, sharcigu wuxuu ahaa in shaabuug lala dhaco. In la dilona kama duwaneyn shaabuugga lala dhacayo.

Meel kasta oo geesi ummadeed uu ka baxo, geesi kale ayaa ka curta. Inkasta oo wacyiga liita iyo kala tagsanaanta uu dabar wayn ku hayay wax-qabadkoodii, misana Soomaalidu waxay meel kasta ku muujiyeen hoggaan gunnimo in ay diidaan. Halgankoodu wuxuu ahaa mid taxan, sida ayaamuhu u taxan yihiin. Markii ciidamadii Talyaaniga xooggoodii uu u kacay in ay xoog kula wareegaan talada labadii saldanadood ee ka dhisnaa Mudug iyo Majeertiinya, waxaa gobolladii koonfureed ka bilowdey gadood kale. Inkasta oo uusan noqon mid hanaqaadey, misana wuxuu ahaa mid looga soo hor-jeedey beero-tacabka hawaanka ah ee Soomaalida lagu khasbayay. Gadoodku wuxuu bilowdey markii tuulooyinka agagaarka degmada Jannaale laga soo ururshey rag Soomaali ah, kuwaas oo tiradoodu ay gaareyso 10.000 nin. Dadkaas ayaa waxaa loo qeybiyay qoysaskii Talyaaniga ahaa ee u yimid degaanka in ay la wareegaan dhul-beeraadka. Ujeeddadu waxay ahayd in ay u shaqeeyaan jaaliyadaha caddaanka ah.

26/ 10- 1926-kii, tuulada Dibley waxaa tegey nin la yiraahdo Cabdi-raxmaan Maxamad Abiikar. Isagu wuxuu ahaa odaga beelaha reer Baraawe. Waxaa la socdey shan nin oo ka tirsan ciidanka Talyaaniga. Ujeeddadu waxay ahayd, Soomaalida uu matalayay  in uu oggoleysiiyo in ay u adeegaan Talyaaniga oo ay fuliyaan howl-gallada hawaanka ah. Tuulada waxaa ku noolaa oo odey ka ahaa nin wadaad ah oo la yiraahdo Shiikh Maxamad Shiikh Cabdi. Isagu wuxuu soo dhoweeyey Nabadoon Cabdiraxmaan iyo shantii askari ee la socotey. Sida caadada Soomaalidu ay tahay, meel wanaagsan ayaa loo gogley. Dabadeed halkaas ayaa martidii lagu maamuusey. Habeennimadii goortii ay seexdeen, ayaa Shiikh Maxamad wuxuu diyaarsadey rag dhallinyaro ah oo laaya askarta iyo nabadoonka la socda. Kadib markii la laayay colkii martida ahaa, Shiikh Maxamad iyo raggiisii waxay u baxsadeen saldhig ay degganaayeen xer la oran jiray Jameecada Ceel Xaaji.

Jameecada waxaa odey ka ahaa Shiikh Cali Maxamad Nuur oo ahaa wadaad aqoon wanaagsan u lahaa diinta islaamka. Waaligii fadhiyay degmada Marka, wuxuu ahaa nin Talyaani ah. Isagu wuxuu fariin u soo direy Shiikh Cali Maxamad Nuur. Wuxuu ka codsadey in uu yimaado saldhigga biliiska degmada, si loogala hadlo shilka ka dhacay tuulada Dibley ee uu sameeyey nin ka tirsan jameecadiisa.

Shiikh Maxamad Cali waa uu diidey in uu u tago. Waayo horey ayuu shiikhu u necbaa gumeysiga iyo dhaqan xumidiisa. Wax badan ayuu xertiisa kala hadley in ay ku baraarugaan dhibaatada lagu hayo dadka Soomaalida ah. Masuulkii Talyaaniga ahaa mar kale ayuu dhambaalkii soo celiyay. Laakiin Shiikh Maxamad waxba iskama beddelin go’aankiisii ahaa diidmada. Markuu laba jeer diidey ayaa, Talyaanigii wuxuu soo direy taliyihii saldhigga biliiska, kaas oo la oran jiray Marshaallo Aldo Fiorina. Taliyaha ciidan yar ayuu horey u sii kaxeystey, si uu Shiikha u soo khasbo oo magaalada u keeno. Laakiin Shiikha iyo xertiisii diyaar ayay u ahaayeen. Dood lagama sugan taliyihii, bal isaga iyo xeyntii ciidanka ahayd ee la socotey, dhamaantood waa la laayay. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 95, Muqdishow – Soomaaliya).

Waaligii Xamar odeyga ka ahaa De Vecchi, aad ayuu uga xumaadey dilkii loo geystey sarkaalka Talyaaniga ah iyo ciidankiisii. Wuxuu Xamar ka soo direy ciidan Talyaani ah oo gaaraya 120 nin. Iyagu waxay ahaayeen ciidan loogu tala-galey in ay wax xasuuqaan. Sidaa darteed waxay wateen hub culus oo Soomaalidu ayan u babac dhigi kareyn. Ciidankaas waxaa hoggaaminayay nin la yiraahdo Dhamme Guirati. Beeraleydii Talyaaniga ee degaanka ku dhaqnaa ayaa waxaa la sii farey in tuulada Ceel Xaaji ay sii mooreeyaan. Ujeeddadu waxay ahayd in ayan cidna dibadda uga baxsan inta uu ciidanka Talyaaniga ka soo gaaraayo goobta. (Isla marjicii hore. s. 95)

30/ 10- 1926-kii, ciidankii Xamar ka yimid waxay soo gaareen tuuladii. Markiiba waa ay hareereeyeen oo waxay dadkii ka codsadeen in ay is-dhiibaan. Dumarkii iyo caruurtii waxay ku urureen masaajid ku yiil tuulada. Raggiina waa ay diideen in ay isu dhiibaan ciidanka gumeysiga. Ciidankii tuulada tegey waxay ku hor-mareen masaajidkii in ay xoog uga soo saaraan dadkii maatada ahaa. Meel ayay ku urursheen. Dabadeed tuuladii ayay galeen, laakiin waxay ka waayeen wax rag ah oo halkaas ku sugan.

Shiikh Cali Maxamad iyo 70 rag ah oo la socotey, habeen ka hor ayay ka baxeen tuulada. Dhamme Guirati, wuxuu ciidankii farey in ay tuulada bur-biriyaan. Sidii ayaa lagu gubey dhamaan guryihii tuulada Ceel Xaaji iyo agabkii u yiil dadkii dan-yarta ahaa ee Soomaaliyeed. Dabadeed ciidankii gumeysiga wuxuu ku ciil baxay maatadii tuulada oo halkii ayuu ku laayay dumarkii iyo caruurihii.

Shiikhii iyo raggii xerta ahaa ee baxsadey, waxaa laga daba-direy ciidan ay hoggaaminayaan laba sarkaal oo xiddiglayaal ah. Waxaa la kala yiraahdo Leut. Pepe iyo Leut. Blasi. 3/ 11- 1926-kii ayaa labadii ciidan waxay isku heleen tuulada Dhanaane. Afar maalmood ayaa lagu dirirayay tuulada Dhanaane. Maalintii afaraad, Talyaanigii waxay heleen ciidan xoojiya. Markaas ayaa la jebiyay Shiikhii iyo xertiisii. Talyaanigu waxay halkaas ku dileen Shiikh  Maxamad Cali. Waxaa kaloo ay dileen 74 xertii shiikha ahayd. Waxay xabsiga u taxaabeen 170 qof oo kamid ah dadkii tuulada ku noolaa. Iyagana waxaa laga diley 21 nin, waxaa ka dhaawacmey 16 nin. (Isla marjicii hore. s. 95-96).

Nadaamkii De Vecchi, wuxuu banaadir kala kulmey halgamadaas teel-teelka ah oo tilmaanta u noqdey in Soomaalidu ayan si sahlan ugu oggoleyn in dhulkooda si sahal ah uu ku dhaxal-wareego. Intaas aanu xusney kuma ekeyn dhaqdhaqaaqa Soomaalida koonfureed ay ku diiddanaayeen nadaamka gumeysiga. Meeshii uu halgan ka joogsado, meel kale ayuu ka hillaacayay. Waxaa tusaale-dhig noqon kara kacdoonkii beesha Biyamaal ee ka horeeyey kacaamadan danbe, kacdoonkii beesha Wacdaan, halgankii suugaaneed ee Shiikh AxmadGabyow uu guud ahaan kula hadlayay. Laakiin midnimo la’aanta heysatey halganka ayaa waxay fursad u ahayd xoogga gumeysiga, taas oo u sahleysey in uu halgan waliba meeshiisa inta ugu tago uu kaga guuleysto. Mararka qaarna, sida aanu arki doonno xoogga Soomaalida ayuu isu adeegsanayay.

Nadaamkaas qowleysatada ah ee ka soo doolaaley koonfurta qaaradda Yurub, marka uu marba ku duulayey degaan Soomaaliyeed ee uu gumeynayay, Soomaalida gudaha ku dhaqan ee xeebaha ka fog, wacyigooda waa uu hooseeyey. Bal marar badan waxaa dhacayay in bulsho Soomaaliyeed oo gumeysigu weeraray, qeybo kale oo bulshada kamid ah ay ku farxaan. Sababtuna ay tahay qabiil. Dhaawacaas oo illaa hadda socda, ayaa wax-garadka Soomaaliyeed ay inbadan ka dhawaaqeen. Abwaan xilligaas ka Hadley dhacdo lamid ah dhacdooyinkan ayaa wuxuu tiriyey tix uu ku yiri sidan:

Masalooyinkaan oran jiraa malagyo keeneene
Dadka gabal mashxarad buu hayaa loo malqadin xeere
Maqsuud weeye maantiyo dorraad dhaantana u mirane
Weli ma-oga wuxuu maagan yahay gaalka yimid meesha
Inuu   aniga   gaar   ii   martey   moodayaan   weliye
Moodkiyo  inuu  maalka  dhici  ma  ay  maleeyaane
Haddaan hadal murtiyo maamuliyo marin cad loo yeelin
Miyirkoo  ku dhererinin  haddaan  odayo  loo  miirin
Ama muranka baas iyo xumaan meesha laga saarin
Masalooyin  rag maamulahayay  mrugtay  laabtiiye
Mudda hoose xaajada ninkaan mara-dhiggeed heysan
Wuxuu moodi meeshaan ka ka-kacay maro in loo saari
Oo waa maanka laga siib isagu soo mir-kacay haatan.
(Nuur Cali Qonof)

Casharkii 6aad

July 26, 2011

Nadaamkii Xamar ka dhismey ee Talyaaniga uu hoggaanka u hayay, muddo dheer kuma ayan qaadan in uu muquuniyo qabaa’ilka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Banaadir. Waxaa sidaas u sahlay awooddii dowladda Talyaaniga ee la daba-taagneyd taakulada iyo saadka joogtada ah. Isla-xilligaas uu culeyska ku hayay Banaadir, maamulkii gumeysiga wuxuu gacanta ku hayay qorshihii uu kula wareegi lahaa meelaha u haray oo Soomaaliya kamid ah, ee uusan weli gaarin xukunkii gumeysiga. Meelahaasi waxay ahaayeen degaankii ay ka talinayeen labadii imaaradood ee ka dhisnaa Mudug iyo Majeertiinya. Qorshaha Talyaaniga uu diyaariyay kiisa ugu waynaa wuxuu ahaa ciidamo uu ku ururshey gobolka Hiiraan. Wuxuu ugu tala-galay, haddii ay is-dhiibaan iyo haddii ayan is-dhiibin, mid ay ahaatoba in ciidamadiisan ay gaaraan degaanka ay ka taliyaan Boqor Cismaan iyo Suldaan Cali Yuusuf.

Cesare Maria De Vecchi,  tallaabooyin dhowr ah ayuu qaadey oo uu ku doonayay in uu kula wareego gobollada Soomaaliyeed ee gacantiisa ka maqan. Tallaabadii ugu horeysey ee uu qaado waxay ahayd socdaal uu ku tegey degmada Hobyo. Markey taariikhdu ahayd 24/ 3- 1924-kii, ayuu degmada wuxuu kula kulmey Suldaan Cali Yuusuf. Wuxuu u sheegey in uu doonayo in saldanadda uu suldaanku ka taliyo ay si buuxda u hoos timaaddo maamulka Imbriyaaliga ah ee Xamar fadhiya. Suldaankii waa uu diidey arinkii uu De Vecchi ula-yimid. Wuxuuna u sheegey in arinkaasi uusan ahayn mid suuragal ah. De Vecchi, wuxuu ku soo laabtay Xamar isaga oo ay u go’an tahay go’aankiisii weerarka ahaa.

De Vecchi, tallaabadii labaad wuxuu qaadey bishii xigtey oo ahayd abriil 1924-kii. Isagu wuxuu markaas Caluula u  direy ergey Talyaani ah. Kaasi wuxuu ahaa E. Coronaro oo horey u ahaa ninka u kala ergeeya labada maamul. E. Coronaro, socdaalkiisa markan ah, waa uu ka duwanaa kuwii uu horey u galay ee uu kula xiriiri-jiray boqortooyada Majeertiinya. Markaan ujeeddadiisu waxay ahayd sahan iyo basaasnimo. Waajibka la soo siiyay wuxuu ahaa in uu keeno ogaallo hor-dhac ah ee loo adeegsado dagaalka lala damacsan yahay degaanka iyo maamulkiisa. Inkasta oo xiriirka Talyaaniga uu la lahaa boqortooyadii Majeertiinya ay xilligaas nus qarni ku dhoweyd (40 sano), misana Talyaanigu wax aqoon ah uma uusan lahayn degaanka iyo dhismihiisa. Waxaa jiray qorshe horey uga socdey gobolka oo ay is-waafaqeen sahanka E. Coronaro. Wuxuu ahaa, nin aqoonyahan Talyaani ah oo degaanka ka wadey howl dhul-barad ah (Geological Survey). Ninkaasi waxaa la oran jiray Stefani Puccioni. Isagu wuxuu gobolka ka wadey howl uu ku masaxayo dhulka oogadiisa, si loo ogaado qaab-dhismeedka uu dhulka gobolku  leeyahay.

E. Coronaro, fursad ayay u noqotey in uu la socdaalo ninkaas dhulkii gobolka baranaya. Xogtii uu soo heley wuxuu ku soo ururshey, in nolosha degaanku ay ku xiran tahay ganacsiga cari-edeg. Gaar ahaan gaadiidka badda oo u kala goosha gacanka Cadan labadiisa dhinac (geeska Afrika iyo Khaliijka Carabta). Qoraalkiisii wuxuu ku xusey, haddii halkaas laga cuna-qabateeyo, iska-caabin kasta oo ay isaga difaacayaan weerar lagu qaado, wuxuu noqonayaa mid tabar-daran. Guddoomiyihii Xamar Cesare Maria De Vecchi, markii uu heley khabarkan guul ayuu u arkey. Sidaa darteed wuxuu ku deg-degey in uu qaato go’aankii dagaalka. Markiiba wuxuu ku dhiiradey in uu ku tallaabsado qorshihiisii 1-aad ee weerarka. Wuxuu soo saarey xeer uu labada saldanad kaga dhigayo hubka.

Boqor Cismaan Maxamuud iyo Suldaan Cali Yuusuf, isku mar ayay soo gaadhey fariinta ah in ay hubka dhigaan. Laakiin labaduba waa ay diideen. Iyagu waxay markaas cuskanayeen heshiiskii ay horey ula dhigteen Talyaaniga oo ahaa mid aanan dhaafsiisneyn heshiis dul-maamul. Sida la ogsoon yahay, heshiis kasta oo la dhigto, fulintiisa iyo jebintiisa waxay ku xiran tahay, labada dhinac midkooda xoogga leh, hadba sida uu u arko maslaxaddiisa. Talyaanigii wuxuu markaas go’aansadey in uu jebiyo heshiiskii uu horey ula dhigtey labadan maamul. Boqorka iyo suldaanka markii ay ogaadeen go’aanka Talyaaniga, waxay bilaabeen in ay  is-dhaafsadaan fariimo ay ku wada-hadlayaan. Laakiin wakhti ku filan ma ayan helin oo khilaafka u dhexeeyay ayaa wuxuu ahaa mid muddo soo jiray tan iyo labadii nin ee xilka kaga horeeyey (Boqor Nuur Cismaan iyo Suldaan Yuusuf Cali).

Saldanadda Hobyo waa ay ka duwaneyd midda Majeertiinya, xagga dhismaha iyo xagga joqraafiga. Xuduuddeeda koonfureed waxay ahayd Ceel-dheer iyo Dhuusa-mareeb. Xadka galbeedka wuxuu ahaa Gallaadi iyo War-dheer. Bariga waxay xeeb ku lahayd Bad-waynta Hindiya. Waqooyiga waxaa xuduud u ahaa togga Nugaaleed qeybtiisa bari. Waxay halkaas isku heysteen dowladdii Boqor Cismaan uu odeyga ka ahaa. Waxaa kaloo jiray nadaamka Hobyo ka dhisnaa in uu ahaa mid midabyo leh oo dadkeeda aanan ku ekeyn beelo ab-saxan wadaaga. Xoogagga saldanaddan ku bahoobey ayaa qaarkood magaca Soomaali wax ka hooseeya oo ay isugu yimaadaan ayan jirin. Kala duwanaanshaha beelaha ay u talisey, waxay ahayd midab kamid ah midabyada ay kaga duwaneyd maamulkii Majeertiinya ka dhisanaa. Xuduuddaas ay saldanaddu la lahayd maamulkii Talyaaniga ee koonfur ka soo foofayay, ayaa waxay khasbeysey in maamulka Hobyo uu noqdo midka uu qabsanayo weerarka hore ee fashiistada.

Bishii july 1925-kii, De Vecchi tallaabo saddexaad ayuu qaadey markii uu dhambaal u direy suldaan Cali Yuusuf. Wuxuu ugu sheegey in uu Hobyo u soo magacaabay nin Talyaani ah. Suldaan Cali, mar kale ayuu diidmo kaga jawaabay dhambaalkii guddoomiye De Vecchi. Markey arintaasi dhacdey, suldaankii wuxuu dhambaal u direy Boqor Cismaan Maxamuud oo fadhigiisu ahaa Baargaal. Cali Yuusuf waxaa u muuqatey arintan uu Talyaanigu wado, in ay tahay mid lagu illaawi karo wixii khilaaf ahaa oo dhex-yiil isaga iyo Boqor Cismaan. Sidaa darteed, suldaanku damaca De Vecchi ayuu u arkey in ay tahay fursad leysugu soo dhoweyn karo aragtiyaalkii ay isku diiddanaayeen labada maamul. Isagu wuxuu dhambaalkiisaas ku muujiyey codsi ah in isaga iyo Boqorka ay mideeyaan ciidamadooda. Sidaasna ay kaga hor-tagaan is-ballaarinta maamulka Talyaaniga. Nasiib-darro waraaqdii suldaanku diray, waxay gacanta u gashay Talyaaniga oo waxaa loo geeyey De Vechhi.  (The Collapse of the Somali State: The Impact of the Colonial Legacy, Abdisalaam Issa Salwe. 1996. London -UK).

Guddoomiye De Vecchi, qorshaha uu ku qabsanayay gobollada bariga iyo bartamaha ee Soomaaliya, wuxuu ku howlanaa muddo laba sano ah. Isagu wuu ogaa in diidmo ka iman karto midkood ama labada saldanad ee Soomaalida uga dhisneyd Mudug iyo Majeertiinya. Sidaa darteed wuxuu sii diyaarsadey ciidan saddex guuto ahaa oo saddex af leh. Waxay ka koobnaayeen 1.500 oo nin iyo hub ka xoog wayn kan ay Soomaalidu siteen. Waxaa xusid mudan, sida maantaba hubka looga cuna-qabateeyey Soomaaliya, in qodobadii heshiiskii Berliin ay kamid ahaayeen kuwo looga reebayo in qaaradda Afrika la geeyo hub laga ganacsanayo. Sidaa darteed ma jirin hub xooggan oo soo gaari-karey gacanta Soomaalida.

Dhambaalkii ay boqorka iyo suldaanku is-dhaafsadeen, dareen ayay ku abuurtey De Vecchi iyo maamulkisii. Sidaa darteed, markay taariikhdu ahayd 1/ 10- 1925-kii, Cesare Maria De Vecchi, wuxuu qaatey go’aankii kama danbeysta ahaa ee la xiriirey weerarka labada saldanadood iyo la wareegidda maamullada halkaas ka dhisan. Toddobaadkii ugu horeeyey bisha, waxaa xeryahoodii ka baxay ciidamadii iyo qalabkii loo diyaariyay in ay dagaal ku qaadaan degaanada ugu sokeeya ee ah degmooyinkii looga talinayay Hobyo. Ciidamada u dirirayay Talyaaniga waxaa la oran jiray Zaptiè Corpo. Iyagu waxay la jaad yihiin ciidamada Talyaaniga ee la yiraahdo Carabinieri. Waxaa xusid mudan, Imbraadooriyadda Talyaaniga ciidamadii ka joogey Liibiya iyo Ereteriya, qudhoodu waxaa la oran jiray Zaptiè.

Suldaan Cali Yuusuf, markii uu ogaadey in maamulkiisii duulaan lagu soo yahay, wuxuu shiriyay odeyadii barlamaanka u fadhiyay. Wuxuu hor-dhigey su’aal uu ku weydiinayo sida ay u arkaan xaaladdan la soo deristey saldanadda, ee ah laba daran mid dooro. Ama weerar ay arkayaan in ay ku jabayaan, ama is-dhiib ay arkayaan in ay ku gumoobayaan. Cimilada ay xilligaas ku sugneyd siyaasadda saldanaddu, waxay ahayd mid aanan u hiilineyn in ay weerar la galaan xoogga Talyaaniga. Siyaasaddii Suldaan Cali Yuusuf oo ahayd mid ka dhaqan duwan siyaasaddii aabihiis, ayaa waxay dhalisey, maamulkiisii in ay la colloobaan qabaa’ilkii laf-dhabarka u ahaa oo badankoodu ay ahaayeen qabaa’ilka Daaroodka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe. Waxaa kaloo Suldaan Cali la colloobey rag maqaawiir ah oo ama muqaddimiin (saraakiil) ahaa ama naa’ibyo ka ahaa degmooyinka amaba kamid ahaa raggii siyaasadda la waldaaminayay. Tusaale-dhigga raggaas waxaa kamid ah Cumar Samantar (muqaddim), Xirsi Guushaa (muqaddim), Maxamuud Maxamad Goda-gode (guddoomiyihii Ceel-buur) Cismaan Sharmaarke (suldaanka ina-adeerkiis), Axmad Xasam Maxamuud oo ku magic dheeraa Axmad- Busur (guddoomiyihii Gaalkacayo). Taggaan iyo kuwo kale oo dhiggooda ahaa, xilligaas waxay si cad uga soo hor-jeedeen hoggaanka saladanadda.

Axmad-Busur oo isaga qudhiisu ay suldaanka ilma-adeer ahaayeen, ayaa markuu la colloobey suldaanka uu degaankii uga qaxay. Gabey uu tiriyay ayaa jiray oo uu ku tilmaamayo, xilkii uu hayay in uu tabasho darteed kaga tegey. Wuxuu intaas raacinayaa in uu degaanka ka guurayo oo ka fogaanayo. Tixihii uu tiriyay waxaa kamid ahaa:

Khilaafkaas muuqdey ayaa wuxuu sabab u noqdey, odeyaashii ku haray saldanadda in ay Suldaan Cali kula taliyaan in uu is-dhiibo. Inkasta oo suldaanku uu doonayay in uu ku dagaalamo wixii ciidan ah oo uu heli karey, misana duqeydii ag-joogayaashiisa ahaa waxay ku adkeeyeen in aanan la diririn oo leys-dhiibo. Iyagu waxay hor-dhigeen suldaanka sabab adag oo ah, ciidanka Hobyo fadhiya xoog ka baxsan oo xilligaas saldanadda u daacad ahaa in uusan jirin. Nuxurka taladii odeyaashu waxay ahayd:

“ Ma dagaalami karno oo ciidan xooggan oo inoo dagaalama ma heleyno. Qabaa’ilkii waa nagu kacsan yihiin. Ciidamadii badankood waa naga gadoodeen. Gabeygii ha’leyda ahaana waa inagu maqan yahay. Sidaa darteed beelihii degaanka ku dhaqnaa, ka heli-meyno beel inoo dirirta “. (Waxaan ka soo xiganey Cali Yuusuf Maxamuud – Cali-Islaan. 16/ 2- 2008. Masar – Qaahira).

Gabeygan ha’leyda ah oo odeyaashu xuseen, sheeko ayuu leeyahay. Wuxuu ahaa gabey laga soo tiriyay fadhigii Boqor Cismaan. Gabeygu wuxuu jawaab u ahaa gabey Hobyo laga tiriyay oo lagu faduulinayay Boqorka iyo maamulkiisa. Markaas ayaa waxaa ka soo jawaabey Yuusuf Sharmaarke Cismaan (Shan ku-kibir) oo isagu ahaa af-hayeenkii Boqorka Cismaan. Abwaanku waxay ujeeddadiisu ahayd, in uu kala fogeeyo saldanaddii Hobyood iyo qabaa’ilkii cududda u ahaa. Islamarkaas xilligaa gabeyga la tirinayo, waxaa xoogganaa eedaha ay beeluhu ka tirsanayeen maamulka. Gabeyga waa uu dheeraa. Waxaan ka soo qaadaneynaa gaba-gabadii tixihiisa oo ahaa sidan:

Xilliga barlamaankii Hobyo uu ku jiray dooddii ahayd waan diriri karnaa ee aan dagaalanno iyo ma diriri-karno ee aan is-dhiibno, maamulkii gumeysiga wuxuu ku guda-jiray in uu dhaqan-geliyo qorshihiisii dagaalka. Sidaanu soo xusney waxaa ka go’neyd in uu la wareego gobollada Soomaaliyeed ee maamulkiisa ka maqan, kuwaas oo ay Hobyo ugu horeyso. Ciidamadii soo baxay bilowgii bishii oktoober 1924-kii, waxay lahaayeen saddex madax. Ciidanka 1-aad waxaa hoggaaminayay sarkaal magaciisa la yiraahdo G/ S. De Bello. waxay ka soo baxeen tuulada Mareeg. Ciidankaasi waxay beegsadeen magaalo-madaxdii maamulka (Hobyo). Ciidanka 2-aad waxaa hoggaaminayay sarkaal magaciisa la yiraahdo Gaashaanle Bichis. Iyaguna waxay ka soo duuleen degmada Buulo-berde. Waxay weerareen degmada Ceel-buur. Ciidanka 3-aad waxaa hoggaaminayay sarkaal magaciisa la yiraahdo Gaashaanle Musso. Waxay ka soo baxeen degmada Beled-wayne. Waxay weerar ku qaadeen magaalada Gaalkacayo. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 95, Muqdishow – Soomaaliya).

Waxaa xusid mudan degmada Ceel-buur in ay ahayd degmo istraateeji ah oo xaaladdeedu ay ka duwaneyd degmooyinkii kale ee saldanadda ay ka talineysey. Ceel-buur dhankeeda koonfureed waxaa ka soo socdey foofka Talyaanigii Banaadir fadhiyay. Galbeedka waxaa ka degganaa Daraawiishtii oo qalcad ku lahayd Beled-wayne. Daraawiishtu markay ka bexeen Beled-wayne, waxaa meeshoodii buuxiyay ciidankii Ceel-buur fadhiyay. Sidaa darteed, saldanadda waxaa u joogey degaankaas ciidan xooggan iyo rag maqaawiir ah oo degaanka iyo ciidamadiisa ka talinayay. Waxaa kamid ahaa Cumar Samantar, Maxamuud Maxamad Cabdille (Goda-gode) iyo Kadawo Maxamad Cabdille oo walaalo ahaa, Cabdulle Xasan iyo Xaashi Xasan oo iyaguna walaalo ahaa, Xirsi Maxamuud Cali (Guushaa), Geelle Garoon, Faarax-Geeraare Cilmi, Gambool oo isagu ku soo biirey markii ay Daraawiishtu jabtey.

Raggaas waxay kamid ahaayeen rag ka gadoodey maamulka Suldaan cali Yuusuf intiuusan Talyaanigu iman degaanka. Iyagu waxay goor hore bilaabeen in ay qorsheystaan in ay degaanka ka dhisaan maamul ka madax-bannaan midka suldaan Cali Yuusuf. Suldaanku waa uu ogaa qorshahooda.,Magaca “ Fallaago “ oo loo yiqiin wuxuu ahaa mid uu u bixiyay suldaanka. Iyagu waxay odey u doorteen Cumar Samantar oo kamid ahaa saraakiisha magaca wayn ku lahaa saldanadda. Aabisiisna waxay qaraabo ahaayeen Suldaan Yuusuf Cali oo ahaa Cali Yuusuf aabihiis.

Sida aanu soo xusney, maamulkii saldanadda waxaa u muuqatey habacsanaan ayan dagaal la geli kareyn ciidamadan gumeysiga. Suldaankii wuxuu ku qancay go’aankii odeyaasha ee ahaa in ay is-dhiibaan. Si rasmi ah ayay markaas De Vecchi u gaarsiiyeen in ayan la dagaalameyn ciidamadiisa. Dabadeed Talyaanigii wuxuu u soo dirsadey Hobyo niman hor-dhac u ah xil-wareejinta saldanadda. Kuwaas oo imaatinkoodii ay ku soo gaba-gabowdey saldanaddii uu Hobyo ka asaasey Suldaan Yuusuf Cali Yuusuf, sanadkii 1884-kii. Degmooyinkii ay saldanaddu ka talineysey oo Ceel-buur ay kamid ahayd, waxaa dhamaan la wareegey maamulkii Talyaaniga ee Xamar fadhiyay.

Hobyo waxaa loo soo magacaabay nin la yiraahdo Gian Giamcomo Trivulzio oo horey u ahaa ergey. Isaga iyo dhowr nin oo la socdey waxay la fadhinoqdeen suldaankii iyo xaashaadiisii. Talyaanigii wuxuu markaas awooddiisii soo dhigey degaanadii ay saldanaddu ka talineysey. Ciidamadii gumeysiga, dib uma ayan dhigan in ay dadka Soomaaliyeed ihaaneeyaan. Saraakiisha iyo askarta Talyaaniga ah waxay ahaayeen kuwo xambaarsanaa aragtidii fashiistiga ahayd ee cunsuriyadda ku dhisaneyd. Iyagu waxay ahaayeen kuwii dhigey hooggii ka dhacay Kelli-asayle oo Soomaalida badan ay ku dhinteen. Inkasta oo degaanka dadka ku nool uusan u layn sidii uu u xasuuqey dadka reer Banaadir, misana dhibaatooyinka uu Talyaanigu ku soo kordhiyay noloshii degaanka, maahayn mid yar. Waxaa markiiba muuqatey is-beddelka uu Talyaanigu la yimid ee ah gumeyn, dil, dhac, ciqaab, ihaano iyo falaad-xumi aanan lala gabban. Maxamad Saalax (Ladane) oo xilligaas ahaa wiil yar, wuxuu ka sheekeeyey sidan:

“ Xilligaas waxaan joogey degmada Jiriiban. Waxaa naa’ib ka ahaa odey abti ii ah oo magaciisa la yiraahdo Cali Faarax. Waxaan xasuustaa, goor barqo ah ayaan dhowr sac iyo hal dibi oo aanu lahayn ceelka ka keeney. Dibigii ayaa ciyay. Askari Talyaani ah oo meesha ka ag-dhowaa ayaa intuu bastoolad la baxay, dibigii madaxa ka toogtey. Wuxuu yiri: Ma doonaayo in aan mar danbe maqlo codkaan oo kale  Wixii maantaas ka danbeeyey, xoolaha waanu ka fogeyn jirney meelaha ay Talyaanigu joogaan “. (Waxaan ka soo xiganey wareysi aanu la yeelanay Maxamad Saalax Ladane. 23/ 3- 2010. Boosaaso – Soomaaliya).

Degmada Ceel-buur waxaa loo soo magacaabay sarkaal fashiisti ah. Kaasi wuxuu ahaa Dhamme Franco Carole. Isagu wuxuu ahaa dagaalyahan isla-wayn, isla-markaas wuxuu daacad u ahaa nadaamka fashiistiga ah. Dagaal-waynihii I-aad ee uu ka qeyb-galay ayaa dhaawacyo badan ka soo gaareen. Korkiisa waxaa ka muuqdey dhaawacyo waawayn ee uu ka reystey. Sidaa darteed Soomaalidu waxay u yiqiineen Daldalool. Isagu wuxuu ku dadaaley, dadkii uu ugu yimid degmada Ceel-buur in uu si dhakhso ah isu-baro. Sawirka uu jecleystey in ay dadka ka qaataan wuxuu ahaa, in uu yahay sarkaal adag, arxan-daran, oo aan hadal lagu celin. Sababta waxay ahayd isaga oo horey digniin uga qabay dadka ku dhaqan gobolkan.

“ Wuxuu heystey sheeko ah in dadka ku dhaqan degaanka ay yihiin dad ku nool cimilo qallafsan, ah geel-jir, dagaalka jecel, madax-adag oo aanan la maamuli karin. Dhamme Daldalool markii uu soo degey wuxuu damcay in uu arrintaas tijaabiyo. Wuxuu isugu yeeray hor-baxa raggii ahaa Fallaago. Wuxuu ku amray inuu ka doonayo: Boqol wiil oo habeen-dhalad ah, kuwaas oo xabkii uu ku yaal. Boqol gabdhood oo habeen-dhalad ah oo xabkii uu ku yaal. Boqol nirgood oo habeen-dhalad ah oo xabkii leh. Boqol waylood oo habeen-dhalad ah oo xabkii leh. Boqol waxarood oo habeen-dhalad ah oo xabkii leh “. (Waxaan ka soo xiganey Cabdiraxmaan Cumar Waesame. 16/ 7- 2011. Dubai – Imaaraadka Carabta).

Qorshaha Talyaanigu wuxuu ahaa in degmada Ceel-buur uu ka dhigto saldhiggii uu kaga duuli lahaa degaanada uu ku sii socdey ee ka xiga dhanka waqooyiga. Sidaa darteed waa ay muuqatey in uu baahi u qabay in degmadan uu gacan adag ku qabto. Xujadaasi laga wariyey odeyaasha, iyada oo ay taagan tahay, ayaa Daldalool wuxuu xirey saddex nin oo kamid ah maqaawiirtii degaanka. Xero ay ciidan u degganaayeen dhexdeeda ayuu ku xirey. Saddexda nin waxay ahaayeen Maxamuud Maxamad (Goda-gode), Xirsi Maxamuud (Guushaa) iyo Geelle Garoon. Sababta keentey xabsiga raggaasi, weli waa lagu muransan yahay. Dadka xiiseeya taariikhda dhacdadan, saddex aragti ayay ka sheegaan. In ay tahay mid ka timid Suldaan Cali Yuusuf, iney tahay mid ka timid Dhamme Daldalool, iyo inay tahay mid ka timid fal ay iyagu ku kaceen. Mid ay ahaatoba, xabsigoodii wuxuu kordhiyay dareenka bulshadii ku nooleyd degaanka.

Casharkii 7aad

August 9, 2011

Dareen xooggan ayaa ka dhashey falkii han-jebiska ahaa iyo su’aalihii xujada ahaa ee Soomaalida uga imanayay maamulkii Talyaaniga ee la wareegey talada degaanka Ceel-Buur. Waxay ahayd xilli uusan Talyaanigu si fiican u caga-dhigan gobollada dhexe ee Soomaaliya. Dareenkii ka dhashay hanjabaaddiisa waxay keentey jawaab fal-celis ah, taas oo maamulkii Talyaaniga uga timid dhanka kooxdii Fallaago. Xabsigii loo taxaabay saddexda nin (Goda-gode, Guushaa iyo Garoon), waxaa si gaar ah uga xumaadey dadkii degaanka ku dhaqnaa, gaar ahaan raggii ay saaxiibada ahaayeen. Cumar Samantar oo isagu ahaa odeyga Fallaago, isla-markaasna ahaa nin uu Cap. Franco Carlo u aqoonsadey in uu odey ka yahay degaanka, qudhiisu aad ayuu uga xumaadey arintaas. Raggii loo yiqiin Fallaago waxay markaas bilaabeen abaabul ka dhan ah Talyaaniga. Waxaa u muuqatey, xabsiga la dhigey saddexdan nin oo muqaddimiinta ka ahaa ciidamadii saldanadda, xushmadda ay ka heli waayeen maamulkan cusub, in uusan jireynin qof Soomaali ah oo xushmad ka helaya. Isla-markaas waxay sheeko ku hayeen hooggii iyo bi’ii uu Talyaanigu gaarsiiyay Soomaalida ku dhaqan gobolka Banaadir. Sidaa darteed waxay qorsheysteen in ay iska celiyaan oo ay la diriraan.

Talyaaniga waxaa markaas degaanka u joogey ciidan xooggan oo ku dhow 400 oo nin. Waxay wateen qoryo qaarkood boobayaal ah oo haddii Soomaalida lagula diriro ay baaba’ayaan. Xaqiiqadu waxay ahayd, Soomaalidu in ayan laheyn awood ay isaga caabiyaan xoogga Talyaaniga. Laakiin ooraah baa jirta oraneysa  (Dagaalku waa Dhagar). Nin-kasta oo xoog wayn, xilliba allaha ka-dhigee, waxaa lagu legdi karaa niyad adag oo loo hayo qadiyadda dagaalka loo gelayo, urursanaanta dadkeeda iyo qorshaha haboon oo hoggaanku qaato. Halkii ayaa kooxdii Fallaago, iyaga oo ku hubeysan tilmaamahaas aan soo sheegney, waxay ku guddoonsdeen in ay qalcadda weeraraan.

Waxaa xusid mudan, dhismaha qalcaddu in ay ahayd mid horey u jirtey oo waxaa degganaan jiray ciidamadii suldaanka. Xerada waxaa ku sugnaa ciidankii Talyaaniga u adeegayay iyo hubkoodii. Waxaa kale oo halkaas yiil bakhaaradii rasaasta iyo bakhaar ay dhigeen hub ay ka urursheen dadkii degaanka ku dhaqnaa. Sarkaalkii ciidanka u sareeyey Cap. Franco Carole, qudhiisu xerada gudaheeda ayuu degganaa. Waxaa kale oo xerada ku dhex-yiil xabsiga ay ku xirnaayeen saaxiibadooda saddexda ah. Raggii Fallaago ahaa xerada horey ayay u yiqiineen. Waxaa ka maqnaa oo keliya qaabka uu Talyaanigu u dejiyay ciidamadiisa. Taasna si wanaagsan ayay u sahan-sadeen. Markay xogtii u dhamaatey, fulintii qorshaha weerarka ayay ku dhaqaaqeen.

Labo qeybood oo ay isu qeybiyeen ayaa qeyb waajibkoodu ahaa in ay gudaha xerada ka dagaalamaan. Qeybtaas oo 15 nin ahaa ayaa waxaa hoggaaminayay Cumar Samantar. Iyagu waxay qaateen waajib ah, intuusan dagaalku bilaaban in ay dilaan Cap. Franco Carole, inay la wareegaan bakhaarada hubku yaal iyo in ay la wareegaan qoryaha halista ah. Qoryahaasi waa kuwa rasaastoodu u dhacdo sida daran-dooriga ah. Kooxda kale oo iyagu ahaa ciidan siddeetameeye lagu qiyaasey, dibadda ayay diyaar ku ahaayeen. Waajibkoodu wuxuu ahaa , markii ay xabbaddu ka bilaabato xerada gudaheeda, in ay afarta jaho ka soo weeraraan xerada. Dilka Cap. Franco ayaa waxay ka dhigteen ishaarada hore ee kooxda gudaha gashay ay ku bilaabayaan dagaalka. Kooxaha dibadda jooga, qorshuhu wuxuu ahaa iyaguna in weerarkooda ay bilaabaan markii gudaha ay ka yeerto dananka dhawaaqa hore.

Subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 9/ 11- 1925-kii, ayay ahayd subaxa la ballamay. Sababo iyo siyaalo kala duwan, ayaa raggii Fallaago ahaa ay ku galeen xerada gudaheedii. Cumar Samantar waxaa la socdey oo xerada la galay saddex nin oo keliya. Sida laga wariyay rag nolol lagu wareystey oo kamid ahaa kooxdan, waxay sheegeen sidan:

“ Waxaa jiray oo kamid ahaa qorshaha, in nin kamid ah saddexda nin oo gudaha la gelaya Cumar Samantar, in uu mindi soo qarsado. Dabadeed markii ay xerada galaan,  Cumar Samantar uu ragga saaxiibadiis ah ku fetesho askarta Talyaaniga hortooda. Ninkii mindida qarsanayay, markii uu ka helo, in uu dharbaaxo il iyo dhaban gooyo. Dabadeedna uu u dhiibo askarta Talyaaniga u adeegaya, si ay xabsiga u dhigaan “. (Waxaanu ka soo xiganaey Siciid Cismaan Keenadiid. 10/ 4- 2010. Boosaaso – Soomaaliya).

Saaxiibada is-dharbaaxaya, waxay kamid ahayd falalka raad-gadashada ah oo Talyaaniga ay kaga raadinayeen kalsoonida. Sidii ay kooxdu ku ballameen, Cumar Samantar ayaa xerada gudaheedii, weliba sarkaal Talyaani ah hortiisii wuxuu ku baaray saaxiibadiis. Wuxuu dharbaaxo la dhacay ninkii mindida watey. Halkii ayuu saaxiibkiis wuxuu u dhiibey askartii Talyaaniga si xabsiga loo dhigo. Sababta loo ganaaxay ninkan  waxay ahayd, xerada waxaa ka reebanaa in hub lala soo galo. Cumar Samantar iyo raggan la socda, marka hore waxay la kulmeen sarkaal dhallinyar oo Talyaani ah, kaas oo qudhiisu xerada ka shaqeynayay. Cumar wuxuu ka codsadey sarkaalkan in loo sii daayo aqalka taliyaha, isaga iyo labadii saaxiibadiis ahaa. Aqalku wuxuu ahaa mid xerada bartameheeda ku yaal, kaas oo leh jaranjaro la korayo marka la doonayo in la galo. Cap. Franco Carole, halkaas ayuu dhaqdhaqaaqa xerada kala socon jiray, ciidankana uu kala hadli jiray.

Dharbaaxadii Cumar Samantar uu u geystey saaxiibkiis, iyo amarkii uu ku bixiyay in la ganaaxo oo la xiro, waxay ku abuurtey sarkaalkii dhallinyarada ahaa kalsooni ka xijaabta weerarka ay kooxdan u socdaan. Cumar Samantar iyo labadii nin oo kale waxaa loo sii daayay in ay u gudbaan Cap. Franco Carole (Doldolool). Raggii kale oo 12-ka xerada ayay uga soo horeeyeen. Sida qorshohoodu ahaa nin waliba meeshii uu ka howl-geli lahaa ayuu ku dhowaadey. Qoryaha boobayaasha ah ee xerada yiil waxay ahaayeen laba qori, kuwaas oo sancadoodu ahayd FIAT, noocooduna ahaa 19:2. Qoryahan ayaa xilligaas waxay kamid ahaayeen hubka ugu culus oo ay siteen xoogagga gumeysiga. Marka laga reebo Daraawiishtii oo dhowr jeer dagaal ka heley qoryo ceynkan oo kale ah, Soomaalida weli gacantooda ma soo gelin qoryaha daran-dooriga u dhaca. Aqoonna xataa uama ayan lahay. Kooxdii kacdoonka ee Fallaago, waxaa ka go’naa in labadaas qori ay gacanta ku dhigaan. Sidaa darteed waxay isu qeybiyeen saddex afaraad oo kamid ah raggii xerada galey.

“ Labada qori midkood wuxuu dul saarnaa aqalka uu deggan yahay Franco Carole oo isaga ayaa lagu ilaalinayay. Qorigaas waxaa gacanta ku hayay askari Talyaani ah. Qoriga kale wuxuu hor-yiil albaabka bakhaarka ay rasaastu ku jirtey. Waxaa gacanta ku hayay askari u dhashay Liibiya. Siddeed kamid ah kooxda 12-ka ah, qori walba waxay u qeybiyeen afar nin oo la wareega, markii ay bilaabato ishaaradii ay weerarka ku geli lahaayeen “ (Waxaan ka soo xiganey Cabdiraxmaan Cumar Warsame. 16/ 7- 2011. Rayaad – Boqortooyada Sacuudiga).

Cumar Samantar, Xaaji Yuusuf Maxamad iyo Cabdulle Cirraabe ayay ahaayeen saddexda nin ee gudaha u galay qolkii Cap. Franco Carole. Iyagu waxay qooraha ku soo xirteen madiil (bir yar oo ay meyraxda ku soofeystaan). Siddeed nin waxay kala aadeen labadii qori. Afarta nin ee kale waxaa la siiyay waajib ah in ay laayaan ilaalada albaabka way nee xerada. Waxaa la wariyay, subaxaas la ballamay ayaa Xaaji Yuusuf oo u socda ballantii, wuxuu la kulmey nin kooxda kamid ahaa oo la yiraahdo Shiikh Xasan Cabdi-shakuur, isaga oo geed hoostiis ku weeseysanaya. Xaaji Yuusuf ayaa wuxuu yiri:Shiikh Xasanow maxaad heysaa ?. Wuxuu ugu jawaabey: Sunnadii salaadda duxa ayaan u weeseysanayaa ?. Markaas ayuu Xaaji Yuusuf wuxuu yiri: Shiikh Xasanow, waajib ayaa taagane, sunnada ka imow. Markaas ayaa Shiikh Xasan weesadii ka kacay goobtii lagu ballamay aadey. Isagu lug ayuu kaga dhaawacmay dagaalkaas, taas oo uu la dhutin jiray intii uu noolaa. (Waxaanu ka soo xiganaey Siciid Cismaan Keenadiid. 10/ 4- 2010. Boosaaso – Soomaaliya).

“ Cap. Franco Carole, saddexdii nin oo is daba-jooga ayaa qolkiisii soo galay. Isagu markiiba waa uu shareystey indhahooda. Iyaga oo aanan wada-hadlin ayuu dhankii ay bastooladda u tiil u deg-degey. Iyagu markaas weli kama ayan soo dhamaan jaran-jartii. Inteeyan gacantiisa gaarin bastooladdii, ayaa Cumar Samantar ku soo deg-degey oo ku boodey. Cumar waa laga fara-baxsadey kaddib makii la legdey. Xaaji Yuusuf ayaa xigey oo isna ka daba-yimid oo ay is qabsadeen. Cap. Franco wuxuu ahaa nin xooggan oo tababaran. Sidaa darteed Xaaji Yuusuf qudhiisu si fudud ayuu u legdey. Cabdulle Cirraabe oo isagu ahaa nin ka xoog waynaa saaxiibadiis ayay jaran-jartii ka soo dhamaadey oo ay gacantiisii soo gaartey sarkaalkii. Cabdulle Ciraabe, isaga ayaa Faranko legdey. Dabadeed Cumar iyo Xaajigii oo mid walba uu madiilkiisii diyaarsadey ayaa meelo halis ah kala dhacay. Sidaas ayaa Cap. Faranco Carole uu ku dhintey. Dabadeed meydkiisii ayay daaqadda ka soo tureen. “. (Waxaanu ka soo xiganaey Siciid Cismaan Keenadiid. 10/ 4- 2010. Boosaaso – Soomaaliya).

Meydkaas ku soo dhex-dhacay xerada bannaankeedii, wuxuu argagax ku ridey dhamaan ciidamadii xerada gudaheeda ku sugnaa. Isla-arintaas ayaa waxay ahayd ishaaradii uu dagaalku ku bilaaban lahaa. Raggii Fallaago ee xerada gudaheeda ku jiray, waxay weerar ku qaadeen meelihii u tilmaansanaa. Anfariirkii iyo isku dhex-yaacii ku dhacay ciidamadii Talyaaniga ayay ka faa’iideysteen. Raggii kacdoonka ee Fallaago, waxaa u suuragashay in ay layaan askartii joogtey meelihii muhiimka ahaa. Isla xilligaas, ciidankii dibadda ku diyaarsanaa, waxay markiiba weerar lama-filaan ah ku soo qaadeen xerada afarteedii jaho.

“ Dagaal muddo saacado ah socdey dabadeed waxaa libtii ay raacdey Cumar Samantar iyo raggiisii. Ciidankii gumeysiga ee laga qabsadey qalcaddii. Intii ka hartey, iyaga oo fara-maran waxaa lagu ugaarsadey baadiyaha degaanka. Hubkii xerada laga heley waxaa kamid ahaa 334 qori, kuwaas oo dad-waynihii ku dhaqnaa degaanka looga soo ururshey hub-dhig iyo 2 qori oo boobayaal ah nooca 19:2, kuwaas oo sancadoodu tahay FIAT iyo 100.000 oo rasaas ah “. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 93, Muqdishow – Soomaaliya)

Xeradii waxaa si buuxa ula wareegey raggii kacdoonka wadey. Wixii hub iyo rasaas yiil waa ay la wareegeen. Taasina waxay ka danbeysey markii ay si xun u laayeen ciidankii Talyaaniga ka joogey xerada. In-yar ayaa baxsatay, iyagiina baadiyaha ayaa lagu ugaarsadey. Askartaas waxay isugu jireen Talyaani, Liibiyaan, Ereteriyaan iyo Soomaali. Weerarkaas lagu qaadey xerada, ayaa taariikhyahannada Talyaaniga waxay u yaqaaniin Massacro di El-Bur (Xasuuqii Ceel-Buur).

Labadii askari ee kala ilaalinayay labada qori, midkoodii Talyaaniga ahaa waa la diley. Ninkii kale ma ayan dilin oo wuxuu ahaa carab u dhashay dalka Liibiya. Isagu waxay u deysteen in uu baro qaabka loogu dagaalamo qoryahan. Labadii qori oo gacanta u galay ciidankii Fallaago, waxaa u weheliay rasaas badan oo qoryahan loo adeegsado. Halkaas ayay kula baxaeen magaca kale oo kooxdan dagaalyahannada ah loo yiqiin. Magacaasi ayaa wuxuu ahaa Ban-banley.

Xaakimkii gumeysiga Cesare Maria De Vecchi, wuxuu xilligaas meelo dhowr ah ka wadey mashruuc is-fidin ah oo uu ku doonayay in gobollada Soomaaliya dhamaan uu la wareego. Degmooyinka xeebta ah ee Banaadir iyo Jubbada-hoose, wuxuu horey ugu soo galay heshiis uu la galey suldaankii Sensibaar. Dhulka gudaha ah ee Hiiraan, markii ay Daraawiishtii jabtey ayuu ku soo sikadey. Gobollada leysku yiraahdo Jubbada-Sare, iyo Jubbada-Hoose dhulkeeda gudaha ah, wuxuu ku qaatey heshiis sir ah oo uu la dhigtey Ingiriirska iyo Faransiiska. Heshiiskaasi oo si qarsoodi ah ku dhacay ayaa waxaa la kala saxiixdey markay taariikhdu ahayd 26/ 4- 1915-kii. Labada dowladood (Ingiriis iyo Faransii) waxay markaas Talyaanigu hadiyad u siiyeen gobollada Soomaaliyeed ee xiga xuduudda Kenya. Gedo, Bakool, Bay, Jubbada Dhexe iyo qeyb kamid ah Jubbada-Hoose. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 93, Muqdishow – Soomaaliya)

Heshiiskaas si buuxa u fulay bilowgii sanadkii 1925-kii, ayaa wuxuu saldhig u noqdey xuduudda marta dhulkii la oran jiray Jubba oo badankiisu ay Soomaalidu ku dhaqan yihiin. Waa dhulka u dhexeeya labada webi ee ah Jubba iyo Taana. Xuduudda dhankeeda galbeed (NFD), waxaa la haray gumeysigii  Ingiriiska ahaa. Talyaaniga waxaa uu qaatay dhanka bari ee xuduudda. Wuxuu markaas heley dhul qiyaastiisu le’eg tahay 90.000 km2. Sababta ay u siiyeen waxay ahayd, ballan hore ayaa jirtay oo ahayd haddii uu dagaalka la galo (waa dagaal-waynihii I-aad), in dhulkaas la siinayo dhulka baaxaddaas leh. Xilligaas wixii ka horeeyey Talyaanigu sahan keliya ayuu ku marayay. (Italian Colonialism in Somalia. Robert Hess. Chicago University. 1966. P. 156. Chicago – USA).

Talyaaniga, marka uu ku sikanayay gobollada koonfureed ee gudaha ah, waxaa gar-wadeenno u ahaa ganacsato carab ah oo degaanka gudaha ah ku dhaqnaa. Iyagu waxay xoog u degganaayeen Luuq iyo Baardheere oo ahaa xarumo ganacsi. Isla-markaas waxay ku lahaayeen beero waawayn. Raggaas ganacsatada ah waxay xiriirinayeen ganacsiga gudaha ah iyo midka degmooyinka Jubba iyo Banaadir ee xeebaha ku yaal.

Haddii nadaamkii gumeysiga ahaa uu si fudud ugu sikadey gobolladan koonfureed, dhanka gobollada dhexe waxaa qorshihiisii hakad ku keeney kacdoonkii ay hor-kacayeen kooxdii Fallaago. Lama-filaan ayay ku noqotey dhacdadii lagula wareegey Ceel-Buur. Talyaaniga waxaa u muuqatey khatarta uu ku sugan yahay mashruuciisii gumeysi-doonka ahaa ee uu la damacsanaa Soomaalida iyo degaankooda, gaar ahaan gobollada Dhexe. Si deg-deg ah ayuu ciidan u soo abaabuley, si uu mar-kale gacanta ugu dhigi Ceel-Buur. Ujeeddadiisu waxay ahayd in uu ka hor-tago in Fallaago ay caga-dhigtaan degaanka. Sidaa darteed, markay taariikhdu ahayd 15/ 11- 1925-kii, ayuu weerar soo  qaadey uu ku doonayay in uu degmada ku soo ceshado, raggiisiina u aaro. Ciidamadii Fallaago, waxay u fariisteen meel degmada ka xigta dhanka koonfur. Ciidankii la soo direy, iyaga oo aanan fileyn ayaa waxaa heley  weerar dhuumaaleysi ah. Halkii ayaa lagu baabi’iyay ciidankii Talyaaniga. Wixii ay wateen oo qalab ahaan waa lagala wareegey. (Abdisalam M. Salwe. The Collapse of the Somali State: The Impact of the Colonial Legacy. 1996. London – UK).

Labadaas weerar markii Talyaanigii lagaga guuleystey, Fallaago waxaa u muuqatey in ayan Talyaani is-hureynin. Sidaa darteed waxay guddoonsadeen in ay u habar-wacdaan qabaa’ilkii Soomaaliyeed. Laba kooxood ayay isku qeybiyeen. Koox u baxdey dhanka koonfureed oo iyagu aadey in ay la soo hadlaan beelaha Hawiye iyo koox u baxdey dhanka waqooyi oo iyaguna la soo hadlayay beelaha Daarood. Kooxda hore waxaa hor kacayay Maxamuud Maxamad (Goda-gode). Ragga dhanka waqooyi u kacay waxaa hor-kacayay Cumar Samantar.

Kooxdan uu Goda-gode hor-kacayay waxay ahaayeen 11 nin oo fardooley ah. Laba kamid ah waxay ahaayeen rag da’doodu yar-tahay oo fardaha u daajiya. Goda-gode waxaa la socdey rag maqaawiir ah, kuwaas oo degaanka ku lahaa mudnaan. Waxaa kamid ahaa Xirsi Guushaa, Cali-Shabeel Xasan Cirroobe, Geelle Garoon iyo Xaashi Kurus-cune. Ujeeddada socodkoodu wuxuu ahaa, qabaa’ilka deggan jiidda uu Talyaanigu ka imanayay in ay gaarsiiyaan dhambaal colaadeed oo la xiriira sidii ay Talyaaniga meel uga soo wada-jeensan lahaayeen. Qabaa’ilka la duddada ah ka sokow, waxay u socdeen, dhambaalkooda  in ay gaarsiiyaan qabaa’ilka ku dhaqan miyiga Banaadir sida Gaal-jecel, Jajeelo, Abgaal, Wacdaan iyo Biyamaal. Kacdoon qorsheysan oo Mudug illaa Banaadir is-heysta ayuu ahaa yoolkoodu. (Waxaan ka soo xiganay Prof. Cabdulqaadir Nuur Salaad. 15/ 7- 2011. Nashville – USA).

Ragga ay la kulmeen waxaa kamid ahaa ugaaska Xawaadle (Ugaas Rooble). Sida laga wariyey awoowayaal xilligaas noolaa, ugaasku si wanaagsan ayuu u soo dhoweeyey. Ballanna waa ay kala qaateen. Inteeyan socdaalkii dhameysan ayaa waxaa ka war-heley Talyaanigii oo dhankiisa kaga jiray abaabul colaadeed. Nasiib-darro qorshahoodii waa uu dhicisoobey, kaddib markii raggii sagaalka ahaa lagu diley shirqool loo dhigey. Iyaga oo ku sii jeeda Ugaaska Ceyr (Ugaas Diini Beereed), kob dhexe iyagoo maraya ayaa waxay ku hoydeen duddo ugaaska la qabiilo ah. Halkii ayaa sida caadada Soomaalidu ahayd lagu marti-geliyay. Raashinkii loo keeney ayaa dushiisa lagu laayay. Sheekada waayeel ka-weriska ah ee dhacdadan la xiriirta waxay sheegeysaa in Geelle Garoon iyo labadii wiil ee fardaha u ilaalinayay ay ka baxsadeen shir-qoolkaas.

“ Nimankaas, geed waaban oo gooyaha ka meereysan ayaa loo gogley. Waabku irid keliya ayuu lahaa. Raggu waa daalanaayeen oo nin walba hortiisii ayuu ku dhacay. Geelle Garoon ayaa shakiyay. Markaas ayuu yiri: War geed waaban oo goonyaha ka meegaaran lays-kuma marti-gelin jirine, sidee wax u jiraan ? ”. (Waxaan ka soo xiganey Cabdiraxmaan Cumar Warsame. 16/ 7- 2011. Rayaad – Boqortooyada Sacuudiga).

Ninkaas dareenkiisii ayuu ka Hadley. Laakiin raggii la socdey waa ay ku qosleen oo nin kamid ahaa ayaa u jawaabey oo ku yiri: “ War maxaad sidii fuleyga u deyma-tukaaleeneysaa. Orod oo futada cows gasho “. (Isla-marjicii hore).

Ninkii xishood ayuu la gaabsadey, waana uu ka dhur-sugey waxa hortiisa ka dhacaya. Geelle dareenkii ayaa ku weynaadey markii ay u muuqatey dhallinyaradii u adeegayay martida oo dhamaantood mindiyo u xiran-yihiin. Islamarkaa, xeero walba oo hilbo lagu sido iyo dhiil walba caano lagu wado, dhowr nin ayaa isla sidey. Markiiba go’aan ayuu qaatey oo wuxuu ka hor-tegey wiilashii raashinka soo wadey, markaas ayuu ku yiri:

“ Waan soo noqonayaaye, laba cad oo hilbo ah i siiya. Waxaan u geeynayaa wiilashii fardaha noola joogey “. (Isla-marjicii hore).

Labadii cad oo hilbaha ahaa ayaa la siiyay, si uusan qorshaha shirqoolka ah u khaldamin. Geelle markuu wiilashii gaarey, wuxuu ku amrey in ay fardaha deg-deg ku fuulaan oo ay baxsadaan. Raggii siddeedda ahaa ee haray, mindiyihii ayaa lagu bilaabey. Nin keliya ayaa la daayay oo wuxuu ahaa Goda-gode. Isagu wuxuu xidid la ahaa Ugaas Diini Beereed oo ahaa Ugaaska qabiilada raga dilka geeysanaya ay ka soo jeedaan. Goda-gode waxaa u dhaxdey gabar la yiraahdo Xareeda Diini Beereed. Isga geed ayaa lagu xirey, dabadeed dood ayaa laga qaatey sidii laga yeeli lahaa. Inkasta oo raggiisii ay ka reebeen oo aan waabkii lagu dilin, misana qudhiisu ma uusan raagin oo geedkii uu ku xirnaa ayaa lagu diley isaga oo xir-xiran. Ninka diley waxaa magaciisa la oran jiray Madar Dhala-dheere. (Waxaan ka soo xiganey Cabdi-Nuur Axmad Faarax Bootaan.17/ 7- 2011. Laicester – UK).

Casharkii 8aad

August 21, 2011

Dilka maqaawiirtii Fallaago, inkasta oo ay ahayd dhacdo kooban, misana waxay reebtey utun taariikh dheer socotey. Waxay kala fogeysey cududda qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee isku duddada iyo isku-danta ahaa. Cududdaas oo raggii kacdoonka waday ay doonayeen in ay isla helaan iyada oo is-raacsan si ay  Talyaaniga isaga caabiyaan, waxay dhaawacantay dilkii dabadeed. Bal dhacdadu waxay kamid noqotey saldhigyada ay ka guntamaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada tol-wayne ee ah Daarood iyo Hawiye. Waxay kamid ahayd tan iyo xilligaas kurtamada jid-gooyada ku noqdey sidii aragtida Soomaali-Wayn ay u caga-dhigan lahayd. Halka odeyaasha Daarood ay ka sheekeeyaan in dilkaasi uu ahaa qorshee Talyaanigu ka danbeeyey oo uu kaga hor-tegayay dhaqdhaqaaqa Fallaago, odeyaasha Hawiye waxay ka sheekeeyaan sababta dilka keentey in ay ahayd aano godobeed oo horey looga qabay reerka.

Sabab-kasta haku dhacdee dilkaasi lala beegsadey rag kamid horseedkii Fallaago, waxaa ka dhashay nac iyo is-diid ku tallaalmey qabaa’ilkii ku dhaqnaa gobolka Mudug. Gaar ahaan labada garab ee ah Daarood iyo Hawiye. Waxaan shaki ku jirin gumeystihii Talyaaniga oo aragtida dowladdoodu ay ku dhisneyd faashiyad iyo dadka oo la kala qeybiyo, in dhacadadii ay u noqotey fursad u bilatey mashruuciisii gumeysi-doonka ahaa. Wuxuu markiiba ku dadaaley in uu maal-gelin ku sameeyo si ay ugu mira-dhasho. Waxaa halkaas ku hir-galey aragtidii ay gumeystayaashu ku caan baxeen ee ahayd kala-gee dabadeedna gumee.

Kala go’ee naca iyo is-diidka ku dhisnaa, qaar kamid ah qabaa’ilkii wuxuu ku dhex abuurey colaad af iyo addin leh. Waxaanu tusaal-dhig u soo qaadaneynaa laba gabey oo kamid ah suugaantii badneyd ee xilligaas ay isu tiriyeen abwaanadii xiiseynayay dhacdooyinkii jiray. Abwaan magaciisa la yiraahdo Ciroole Maxamad Keli ayaa gabey tiriyey dhacdadii dilka dabadeed. Suugaatii abwaanka tixaheedii waxay ahayd sidan:

Nin la yiraahdo Faarax Cismaan Kowte oo kamid ahaa Fallaago ayaa xilligaas isna tiriyay gabey uu kaga jawaabayo gabeyadii badnaa ee laga tiriyay dhanka beelaha Hawiye. Faarax isaga oo u hadlaya dhanka beelaha Daarood, gabeygiisa wuxuu si gaar ah ugula garamayaa beeshii raggana ka leysey, gabeyadana ay ka yimaadeen. Gabeygii Faarax waxaa kamid ahaa sidan:

Labadaas gabey waxay tusaale-dhig u yihiin, xilligaas qallafsan kala fogaanshaha ku yimid bulshadii Soomaaliyeed. Meel kasta oo ay aragtida Soomaali-wayn ka guntami lahayd, gumeystaha ayaa shiishka saarey si uu u toogto oo uusan u xirmin xarig-ummadeed. Sawir lamid ah buu ahaa sawirka maanta jira oo caadifaddu ay garwadeenku ka noqotey, caqligii lagu kala qiimeyn lahaa saxa iyo khaladkana uu bulshadu ku yaraadey. Waxay ahayd goor dhulkii Soomaaliyeed uu gacanta u galay gumeysi caddaan iyo madow leh. Laba gobol oo keliya ayaa maamulkii gumeysiga uusan xilligaas weli si buuxa u gaarin. Waxay ahaayeen labada gobol ee ah Mudug iyo Majeertiinya. Iyaguna sida muuqata maamulkii Talyaaniga ayaa dhanka koonfureed uga soo sikanayay.

Guddoomiyihii Talyaaniga Cesare Maria De Vecchi, wuxuu heley cimilo mashruuciisii hiillo u noqoneysa. Talyaanigii waxay markaas dhaqdhaqaaq ciidameed ka bilaabeen gobolka Hiiraan. De Vecchi wuxuu Xamar ka soo direy sarkaal sare oo halkaas ku ururiya ciidamo xooggan oo ka hor-taga kacdoonka Fallaago. Sarkaalka loo xil-saarey howshan wuxuu ahaa Leu. / Col. Splendorelle. Isaga waxaa la faray in uu ururiyo ciidankii Hiiraan u fadhiyay Talyaaniga. Waxaa weheliyay ciidan yar oo uu Xamar kala yimid.

Fallaago markii ay ka war-heshey howlaha uu Leu. / Col. Splendorelle ka bilaabay gobolka Hiiraan, dhankooda ayay iyaguna dhaqdhaqaaq ka bilaabeen. Sarkaalkan ayaa isaga oo aanan wakhti badan joogin degaanka, rag Fallaago kamid ah waxay ku dileen weerar dhuumaaleysi ah. Weerarka qabsadey Leu. / Col. Splendorelle wuxuu ku heley meel u dhexeysa Bud-Bud iyo Buulo-Berde. Isaga iyo koox la socotey ayaa gaadiidkoodii weerar duur-gal ah (ambush) lagu soo qaadey. Waxaa goobtaas ku dhintey Leu. / Col. Splendorelle iyo laba sarkaal oo kale. Dilkii Leu./ Col. Splendorelle waxaa ku dhicisoobey isku-deygii saddexaad oo Talyaanigu uu ku doonayay in maamulkiisa uu ku xasiliyo degmada Ceel-Buur.

Dhacdooyinkaas is daba-joogga ah, wal-wal xoog badan ayuu ku abuurey maamulkii Xamar fadhiyay ee uu odeyga ka ahaa De Vechhi.Markii ay guul-darrooyinkaas qabsadeen qorshihii ciidameed ee fashiistada, De Vecchi wuxuu ku dhaqaaqey tallaabooyin uu dib ugu saxayo qaabkii uu ku qabsan lahaa guud ahaan gobolka Mudug. Tallaabadii ugu horeysey waxay ahayd in duqeydii fadhidey Hobyo uu markab ku guro si uu Xamar u geeyo. Tallaabadaasi laba arimoodba waa uu uga gollahaa. Mid waxay ahayd, dhacdooyinkan ka dhacay Ceel-Buur in ayan dhiiri-gelin ka helin dadkii suldaanka daacadda u ahaa eek u sugnaa degaanka Hobyood. Si markaas uusan gadoodku u ballaaran. Midda kale waxay ahayd, han-jebis uu Fallaago la doonayay oo uu ugu muujinayay in xukunkiisii uu Hobyo caga-dhigtey. Sidaa darteed kacdoonkooda uusan wax wayn soo kordhineyn. Sidaas ayaa Suldaan Cali Yuusuf iyo xaashaadiisii waxaa lagu keeney Xamar, dabayaaqadaii sanadkii 1925-kii.

Dhacdooyinka Ceel-Buur, wal-walka ayku abuurtey De Vecch_i, waxaa la wadaagey masuuliinta wasaaraddii mustacmaraadka ee Talyaaniga. Wasaaraddu waa ay ka aamusi weydey khasaarahaas ku yimid mashruucii _De Vecchi. Wasiirkii wasaaradda ayaa wuxuu soo faray De Vecchi, laba guuto oo Ereteriya ka imanayay in ay dagaalka si toos ah uga qeyb-qaataan. Islamarkaas wasiirku wuxuu ku soo taliyay in hoggaanka labada guuto, si ku-meel gaar ah uu u yeesho sarkaalka ugu sareeya ciidamada Talyaaniga ka fadhiya Soomaaliya. De Vecchi, isaguna waxaa la faray in uu ku ekaado howlaha maamulka ee mustacmaradda Soomaaliya. Sarkaalka ciidanka hoggaaminaya, ayaa isaguna waxaa la faray, haddii ay arimuhu murgaan in uu si toos ah ula soo xiriiro abaanduulaha ciidanka Talyaaniga ee Rooma fadhiya. (The Collapse of the Somali State: The Impact of the Colonial Legacy, Abdisalaam Issa Salwe. 1996. London -UK).

Cesare Maria De Vecchi, dhankiisa ayuu wuxuu ka bilaabay siyaasad uu ku soo dhex-galo Soomaalidii reer miyiga ahaa, si ayan cududdooda isu qabsan. Wuxuu dhaqaale ku bixiyay fadhi ay ka soo qeyb-galeen cuqaal badan ee ka tirsan qabaa’ilka degaanka.

“ Fadhi ballaaran ayaa xilligaas waxaa lagu qabtay gobolka Hiiraan. Waxaa ka soo qeyb-galey qeybo kamid ah qabaa’ilka Hawiye ee ku dhaqan degaanka. Talyaaniga oo ahaa midka ka danbeeyey fadhigaas ayaa ujeeddadiisu waxay ahayd in uu colaad dhex-dhigo qabaa’ilka Daarood iyo Hawiye. Sida goor-danbe muuqatey, waa uu ku caana-maalay “. (Waxaanu ka soo xiganaey Siciid Cismaan Keenadiid. 10/ 4- 2010. Boosaaso – Soomaaliya).

Iyada oo arintu ay isku murugsan tahay, ayaa sidaanu soo xusney Suldaan Cali Yuusuf Hobyo laga soo qaadey oo Xamar la keeney. Tallaabadaasi waxay ahayd dhambaal uu De Vecchi u gudbinayo dadkii suldaanka daacadda u ahaa iyo kacdoonka Fallaago qudhooda. Wuxuu ku doonayay han-jebin iyo in la fahmo, maamulkiisa fashiistada ah in uu yahay midka ka talinaya degaanka. Tallaabadan uu De Vecchi ku soo qaadey suldaanka iyo middan uu ku dhex-galay qabaa’ilka, waxay u keeneen guul ka dhow middii uu ku doonayay weerarka iyo xoogga.

“ Dhab ahaan nadaamkii fashiistada ahaa wuxuu arimahan ku heley natiijo uga wanaagsan tii uu ku heli lahaa ololaha ciidmaeed. Weerarkii iska-caabinta ahaana si qabow ayuu hoos ugu dhacay. Degaankiina fowda ayaa ka bilaabatey, taas oo guul u ahayd siyaasaddii cusbeyd ee gumeysiga “.(The Collapse of the Somali State: The Impact of the Colonial Legacy, Abdisalaam Issa Salwe. 1996. London -UK).

Ciidankii laga keeney Ereteriya ee labada guuto ahaa waxaa weerarkoodii uu bilowdey iyada oo khilaafkii degaanka lagu abuurey uu xooggan yahay. Sidaa darteed, xooggii is-ka caabinta Soomaalida ma noqon mid hor joogsan kara awooddii Talyaaniga. Fallaago, iyaga oo uu hor-kacayo Cumar Samantar waxay u qaxeen Ogaadeenya. Tirada ay markaas ahaayeen waxaa lagu sheegaa toddobaatameeyo nin.  Sidaas ayaa Talyaanigii uu ku galay degmadii Ceel-Buur, markey taariikhdu ahayd 26/ 12- 1925-kii.Jabkii ku dhacay awooddii Fallaago wuxuu soo af-jaray xukunka saldanaddii Hobyo

“ Halkaas waxaa ku gunaanadmay saldanaddii 41-ka sano ahayd oo Yuusuf Cali Keenadiid uu asaasey sanadkii 1884-kii, gumeysiguna dhib la’aan ku qabsadey. Xaakimkii gumeysiga wuxuu durbadiiba u magacaabey maamulayaal Talyaani ah, degmooyinka Hobyo, Ceel-Buur, Gaalkacayo, Gallaadi iyo Jirriiban “. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 92, Muqdishow – Soomaaliya).

Fashiistadii waxay markaas si buuxda ula wareegtey degmooyinkii gobolka Mudug. Isla-markaas waxay u gacan-bannaanaatey in ay Majeertiinya weerar ku qabsato. Waxaa xusid mudan, dalabka hub dhigidda ah ee De Vecchi uu weydiiyey Boqor Cismaan, wuxuu ka horeeyey colaadda Fallaago iyo Fashiistada. Bishii abriil 1924-kii ayay ahayd markii ugu horeysey oo De Vecchi uu dhambaal u direy Boqor Cismaan uu kaga codsanayay in Boqorka uu hubka ka dhigo ciidamadiisa. E. Coronaro oo ahaa ninka u-kala ergeyn jiray Xamar iyo Baargaal ayuu ahaa ninka Boqor Cismaan gaarsiiyay fariinta.

Arintaasi markay dhacdey, Boqor Cismaan wuxuu ku baaqay fadhi ay isugu yimaadaan qabaa’ilkii degaanka ee uu odeyga u ahaa.

Gugii sanadkaas ayaa boqorku wuxuu fariistey dooxo kamid ah degaanka la yiraahdo Noobir ee u dhexeeya degmooyinka Xaafuun iyo Iskushuban. Halkaas ayaa waxaa isugu yimid in-badan oo kamid ah qabiilooyinka uu boqorku guddoonka u hayay. Fadhigaasi wuxuu ahaa mid ay si guud kaga arinsanayeen arinta ah in ay hubka dhigaan oo is-dhiibaan iyo in ay diriraan oo dhibaato diyaar u noqdaan. Cuqaashii ka soo qeyb-galay kulanka, muddo ayaamo ah ayay isku-dhaafsadeen wixii aragtiyaal iyo talooyin ahaa. Dabadeed guddoonkii waxaa lagu gunaanadey in aanan leys-dhiibin ee wixii la heli karo lagu dagaalamo. (Waxaan ka soo xiganey Cali Yuusuf Maxamuud – Cali-Islaan. 16/ 2- 2008. Masar – Qaahira).

Sheekooyinka xiisaha leh ee fadhigaas laga wariyey ayaa waxaa kamid ah, gabey uu goobtii ka tiriyay nin dhallinyar oo la yiraahdo Faratol Yuusuf Sharmaarke. Isagu wuxuu lahaa faras lagu magacaabo Xubbi. Goortii uu guddoonku dhacay ayuu inta is-taagay wuxuu qabsadey ceynaankii faraskiisa. Halkii ayuu wuxuu ka tiriyay gabey uu kula hadlayo faraskii. Isagu wuxuu yiri:

Casharkii 9aad

September 2, 2011

Go’aankii iska-caabinta ahaa oo ay gaareen qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa gobolka Majeertiinya, waxaa dhinac socdey qorshayaashii uu De Vecchi ku doonayay in uu ku weeraro gobolka. Waxaa xusid mudan in xilligaas uu ahaa isla xilligii xoogga Talyaaniga uu Mudug soo weerarayay. Sida aanu soo sheegney labadaas degaan waxay ahaayeen labada meelood oo markaas gacantiisa ka maqnaa. Talyaanigu xilligaas Soomaaliyada uu qeybta u heley wuxuu u qeybiyay laba gobo loo waawayn. Gobol wuxuu ku magacaabay

Talyaanigu xilligaas Soomaaliya laba degaan ayay u ahayd. Degaan gacanta ayuu ugu jiray oo wuxuu ula baxay Somalia Merdionale(Soomaaliyada Koonfureed). Degaanna wuxuu ahaa mid aanan weli gacantiisa soo gelin, kaas oo uu ula baxay Somalia Settentrionale(Soomaaliyada Waqooyi). Mashruuca weeraradan uu De Vecchi soo qaaday wuxuu ku wajahnaa degaankan danbe ee uu doonayay in uu iyagana qabsado.

Ciidamo badan oo Talyaanigu uu ku ururiyay koonfurta Soomaaliya ayaa xilligaas diyaar ahaa. Waxaa kamid ahaa ciidan lagu magacaabo Regio Corpo oo qarniga bilowgiisii loo asaasey gumeynta qabaa’ilka Soomaaliyeed ee beeraleyda ah. Ciidan kale waxaa la oran jiray Banda Armata, kuwaas oo loo asaasey in ay hubka ka dhigaan qabaa’ilka hubeysan. Waxaa kaloo jiray ciidan la yiraahdoZaptie’, kuwaas oo biliis ahaan uga shaqeyay degmooyinka gudahooda. Waxaa iyana jiray ciidan la yiraahdo Duub Cad. Waxaa loo asaasey in lagu gumeeyo reer guuraaga baadiyaha fog ku dhaqan. Ciidamadaas ayaa goor danbe xooggoodu waxay noqdeen Soomaali uu Talyaanigu siiyay tababar ciidameed. Markii hore waxay u badnaayeen Ereteriya iyo Amxaaro. Waxaa weheliyay niman Carab ah, kuwaas oo uu ka keeney Liibiya iyo Yaman. Badankoodu waxay ahaayeen Yaman.

“ Maraakiibta dagaalka iyo kuwa lagu daad-gureeyo ciidamada ayaa dagaalka wax kaga jiray. Dhulka waxa ku socda waxay ahaayeen fardo iyo awr oo keliya. Xoogga gaadiidka waxay ahaayeen maraakiibta. Waxaa Xamar lagu diyaariyay maraakiib 15 gaaraya. Waxaa kamid ahaa San Giorgio, Compania, Toselli, Savona, Favignana, Gagliero, Arimondi, Stavetta, Alessandretta, Postale Roma “.(Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. S. 274).

Ciidamadaas iyo wixii qalab iyo gaadiid ahaa oo ay wateen, muddo laba sanadood ah ayuu De Vecchi ku diyaarinayay Banaadir. Bishii sebtember 1925-kii, qaar kamid ah maraakiibtii waxay u soo dhaqaaqeen xeebaha Majeertiinya. Iyagu waxay howl-galkoodii bilaabeen bilowgii bishii oktoober 1925-kii. Waxay markiiba xayiraad ku soo rogeen dhaqdhaqaaqa doonyihii ganacsiga ee isaga gooshayay marsooyinkii gobolka iyo degmooyinkii ay la lahaayeen xiriirka. Ciidamadii Talyaaniga waxay markaas qabteen tiro 50 doonyood. Falkaas waxaa u weheliyay in ay ciidamo dhigaan saddex degmo oo istraateeji ah, kuwaas oo laba kamid ah ay ku wajahan yihiin xeebta Bad-waynta Hindiya (Ayl iyo Xaafuun), degmada kalena ay ku wajahan tahay xeebta Badda Cas (Caluula).

1/ 10- 1925-kii Xaafuun ayaa waxaa lagu dejiyay ciidan horin ah oo ay weheliyaan koox madaafiic ah. 3/ 10- 1925-kii, Caluula ayaa waxaa lagu dejiyay ciidankii ugu xoogga wayanaa ee Talyaanigu uu gobolka dhigay, kaas oo laba guuto ahaa. Waxaa xusid mudan, degmada Caluula in uu ka talinayay Suldaan Cali Yuusuf oo Hobyo fadhiyay. Degmadu waxay ahayd halka ay caa’iladda suldaanku ka soo jeedaan. Waana degmadii ay ka tageen Suldaan Yuusuf Cali iyo kooxdii hor-baxa ku raacdey markii ay Hobyo fariisanayeen. Boqor Cismaan ciidan uma joogin degmadaas. Aritaasi waxay Talyaanigii u sahashay in uu ciidamadii hor-dhaca ahaa kuwoodii ugu xoogganaa uu dejiyo Caluula. Taariikhyahanka Khaalid Cali-Guul oo war-bixin kooban ka bixinayay ciidankii Xamar ka soo baxay wuxuu qorey sidan:

“ Waxay ka koobnaayeen sagaal markab oo kuwa dagaalka ah iyo markab wayn oo ciidamada daad-gureeya. Ciidankaas waxaa lagu qabtay dekadaha caanka ah ee Caluula Xaafuun iyo Ayl. Waxaa halkaas lagu ururiyay ciidamadii dhulkaas ka how-geli lahaa “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. S. 274).

Ciidamadii qeyb kamid ah, waxaa la fariisiyay Ayl. Degmadu waxay ahayd xuduudda koonfureed ee saladanaddii Majeertiinya. Ciidan kuwaas ka xooggan, Talyaanigii wuxuu dhigey Xaafuun. Magaaladu waxay ahayd degmo uu ku xooggan yahay dhaqdhaqaaqa ganacsiga. Degmadaas ayaa joqraafiyahannada adduunka waxay ku magacaabaan korridoorka qaaradda Afrika ay ku leedahay Bad-Waynta Hindiya. Degmadu waxay ku dhacdaa cirifka jahada bari u xiga qaaradda oo idil. Waa meesha ay qorraxdu ugu soo hor-baxdo dhulka ay ku fadhido qaaradda madow. Waa meesha Afrika ugu xigta caloosha qaaradda ugu wayn adduunka (Aasiya). Meesha ay Xaafuun ku taal ayaa degmada waxay siisay fursad ganacsi oo taariikh fog leh. Degmadu waxay ku xusan tahay dhamaan taariikhaha laga qoro dhaqdhaqaaqa ganacsiga adduunka, iyada oo magacyo kala duwan wadata. Hadba reerkii curad ka noqda nolosha oo hoggaanka u qabta il-baxnimada adduunka ayaa markay socodkoodu ku bataan, magac ula baxi jiray. Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee degmadaasi marna ma joogsan muddadii ka horeysey xilligii gumeysiga. Laakiin marna waa kacayay, marna waa degayay.

Xilligaas uu Talyaaniga u soo dirayay ciidamada, marsada degmada Xaafuun waxay ahayd midda loogu adeegga badnaa ganacsigii gobolka. Waxayna ku taal xudduntii Majeertiinya. Sidaa darteed majirin ciidamo ka joogey saladanadda. Talyaanigii wuxuu ku guuleystay in uu mar qura ku habsado degmadii iyo howlihii ganacsi ee halkaas ka jiray. Sidaas ayaa waxaa ugu suuragashay, muddo gaaban in uu gacanta ku dhigo degmooyinkii iyo dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee degaanka ka socdey. Doonyaha uu qabsaday badankoodu wuxuu ka qabsaday marsada Xaafuun iyo biyaha ku dhow. Curyaaminta dhaqaale ka sokow, ciidamadaas waxaa kaloo loo diyaariyay in ay ka qeyb qaataan dagaalka weerarka dhulka gudaha ah ee lagula dagaalamayo ciidamadii saldanadda.

20/ 10- 1925-kii, waxaa Xamar ka soo baxay ciidamo hor leh. Waxaa markaan la socda xaakimkii ahaa Cesare Maria De Vecchi. Isagu wuxuu doonayay in uu si toos ah ula wareego howlaha ka socda gobolka, kaas oo ama wada-hadal ah ama weerar iyo dagaal ah. De Vecchi ayaa intuusan soo bixin dhambaal qoraal ah u soo diray Boqor Cismaan. Qoraalku wuxuu ahaa mid uu ugu caga-jugleynayay boqorka si uu isu dhiibo. Qoraalkii De Vecchi waxaa kamid ahaa sidan:

“ Waa in aad hubka dhigtaa oo aad isu soo dhiibtaa Dowladda Talyaaniga. Waxaanu kaa xirney baddii oo ay wax kuu soo mari lahaayeen. Waxaanu illaa hadda gacanta ku heynaa doonyo gaaraya 50 oo badidoodu ay raran yihiin. Kuwaas oo weliba aanu ku heyno denbi kale oo ah in ay diideen in ay calanka Talyaaniga qaataan. Waa xilligii bad-furanka ahaa, wixii kale oo doonyaha oo ama imanaya ama ambabaxaya, waanu qabaneynaa …………..… “.(Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. S. 275).

Boqor Cismaan, diidmo ayuu ayuu kaga soo jawaabay dalabkii hub-dhigidda iyo is-dhiibka ahaa oo De Vecchi, uu ka codsadey. Jawaabtii Boqorka, De Vecchi waxay gaartay intuusan Xamar ka soo bixin. Markay taariikhdu ahayd 13/ 10- 1925-kii ayuu Boqor Cismaan wuxuu xaakimkii Talyaaniga u diray qoraalkiisii oo uu ku xusey sidaan:

“ Waxaynu isku ogeyn oo hadalkayagu ahaa, in dalkanagu sifo sharci ah uu ahaa maxmiyad (mid dusha laga maamulo), oo aydnaadan soo fara-gelin diintayada, dhaqankayaga iyo maamulkayaga. Aniga hubkeyga waan heysanayaa oo sina usoo dhiibi maayo. Doonyaha aad qabsatay iyo waxa saran ma aad heysan kartid ee soo daa. Haddaad dagaal bilowdana naf badan ayaa la waayayaa “.(Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. S. 275).

Waraaqdaas waxaa saxiixey Boqor Cismaan iyo 20 odey oo ka kala socdey beelaha degaanka, kuwaas oo boqorka ula joogay wada-tashi. Iyagu waxay ahaayeen odeyadii boqorka la qaatay guddoonka ah in la dagaalamo oo aanan leys-dhiibin. Xaakimkii Talyaaniga Cesare Maria De Vecchi, waa uu ka caroodey waraaqdii jawaabta ahayd ee Boqorku soo direy. Wuxuu arkay dagaal waxaanan ahayn in uusan kula wareegeyn maamulka gobolkan. Sidaa darteed, jawaab gaaban ayuu Boqorkii u soo celiyay uu ku leeyahay:

“ Waxaan qaadanayaa doonyaha iyo waxa saran, hubka iyo saanadda aad heysato, ciidamadaada hubeysan iyo madaxda Majeertiinya oo aad ku jirto“. (Isla-marjicii hore. S. 276).

Halkii ayaa xaakimkii Cesare Maria De Vecchi, wuxuu ciidamadiisii amray weerar buuxa in lagu qaado Majeertiinya. Xilligaas De Vecchiwuxuu gobolka ku soo daayay ciidamo lagu qiyaasey 5 kun oo nin. Ciidamadaas ayaa sahaydooda waxay ahayd wixii ay ka dhacaan dad-waynaha reer miyiga ah iyo agabka saran doonyihii ay la wareegeen. Ciidamada qaarkood dhulka ayay ku socdeen, qaarna doonyo ayay saaraayeen oo dhanka badda ayay ka yimaadeen.

Ciidamadii hor-dhaca ahaa markii ay ku guuleysteen in ay fariistaan Ayl, Xaafuun iyo Caluula, De Vecchi gobolkii ayuu soo aadey si uu wada-hadal u furo. Isagu wuxuu Boqorka u muujiyay cududdiisii. Sidaa darteed haddii uu wada-hadalku fashilmo, qorshaha uusan hureyn waa midka dagaalka ah. De Vecchi wuxuu Xamar ka soo raacay kamarkab wayn oo la yiraahdo Compania. Markay taariikhdu ahayd 24/ 10- 1925-kii wuxuu soo gaaray xeebta degmada Bender-Beyla. Degmadu waxay kamid ahayd xarumaha ay ciidamada xooggan ka joogeen saldanadda. Waxaa waali ka ahaa wiil uu dhalay Boqor Cismaan oo la yiraahdo Xirsi Boqor. Ciidan 1000 nin gaaraya ayaa ku sugnaa degmada iyo baadiyaheeda. De Vecchi wuxuu soo diray koox ciidan ah iyo nin sarkaal ah oo la socda. Ujeeddadu waxay ahayd in uu Xirsi Boqor gaarsiiyo dalab ah in ay kulmaan. Dadkii magaalada ku dhaqnaa intoodii badnayd waa ay isaga baxeen degmadii. Ciidamadiina nin qura kuma harin. Sidaa darteed kooxdii Talyaaniga ahayd dib ayay markakoodii ugu laabteen.

Markabkii De Vecchi wuxuu u gudbey Baargaal oo uu Boqor Cismaan xarun u ahayd. Degmada Xaafuun oo u dhexeysa Bender-Beyla iyo Baargaal, De Vecchi waa uu dhinac maray oo kuma uusan hakan. Intuu Baargaal u sii socdey ayaa ciidamadiisii fadhiyay Caluula waxay weerareen degmada Bareeda oo dhanka bari ka xigta Caluula. Ciidan yar uu fadhiyay ayay hareereeyeen oo ay maxaabiis ahaa u soo qabteen. Ragga ay soo qabteen waxaa kamid ahaa wiil ina Boqor Cismaan ah oo la yiraahdo Axmad Boqor. Dhacdadaasi waxay ahayd ishaaradii ugu horeysey dagaalka ka bilowdey Majeertiinya. (Isla-marjicii hore).

Cesare Maria De Vecchi, wuxuu soo gaaray degmadii Baargaal 28/ 10- 1925-kii. Waxaa degmada ku sugnaa boqor Cismaan iyo xaashaadiisii. Waxaa boqorka magaalada u joogay ciidan gaaraya 200 oo nin. Waxaa odey u ahaa wiil uu Boqorku dhalay oo la yiraahdo Yuusuf Boqor. De Vecchi markabkii kama uusan soo degan. Laakiin ergey ayuu direy, kaas oo xambaarsanaa codsi uu boqorka ka dalbanayo in uu ugu yimaado markabka dushiisa. Waxaa ergeyga la socdey 50 nin oo ciidan ah. Waxay isugu jireen Talyaani iyo Soomaali. Boqor Cismaan wuxuu ku war-celiyay in De Vecchi uu markabka ka soo dego oo isaga uu ugu yimaado qalcadda uu fadhiyo.

Ergeygii Talyaaniga ahaa iyo ciidamadiisii iyaga oo aanan laashashkoodii ku laaban ayaa xabbad ka dhex bilaabatay iyaga iyo ciidamadii boqorka. Waxaa halkaas lagaga laayay 11 nin (shan Talyaani ah iyo lix Soomaali ah). Intii hartay markii ay ku laabteen markabkoodii, ayaa De Vecchi wuxuu faray, markab ah kuwa wax duqeeya oo Caluula joogey in la keeno xeebta Baargaal. Markabkaas oo la oran jiray Arimondi ayaa Baargaal soo gaaray maantii xigtey. Isla-maalintaas oo taariikhdu ay ahayd 29/ 10- 1925-kii ayuu degmadii Baargaal duqeyn ku bilaabay. In-kasta oo dad badan ay u qaxeen buuraha ka xiga degmada dhanka waqooyi, misana dad maato u badan ayaa halkaas ku dhintey. Markabka duqeynta geystey waxaa weheliyay markab kale oo kamid ah kuwa ciidamada lagu daad-gureeyo oo la yiraahdo Postale Roma. Waxaa saarnaa ciidanka la yiraahdo guutada labaad ee Banaadir. Markii magaaladii si arxan-darro ah loo duqeeyay, ayaa ciidankii guutada labaad waxay ku soo degeen xeebtii degmada.

Ciidamadii Talyaaniga ee xeebta yimid waxaa markiiba weerar ku soo qaadey ciidankii Soomaalida. Waxaa halkaas ka dhacay dagaal adag oo labadii dhinac ay isku riiqmeen. De Vecchi, markabka dushiisa ayuu ka hoggaaminayay dagaalka. Inkasta oo guushii ay raacdey ciidamadii Talyaaniga, misana maahayn guul ay si dhayal ah ku heleen. Ciidankii De Vecchi, waxaa dagaalkii lagaga diley 80 nin oo uu kamid yahay nin darajadiisu ahayd dhamme, kaas oo ahaa sarkaalkii ciidanka dhulka la joogey. 32 kamid ah ciidanka la laayay waxay ahaayeen Talyaani, 48-na waxay ahaayeen Soomaali. Soomaalidii waxaa iyaguna ka dhintey 70 qof oo isugu jira dhallinyaradii dagaalamayay iyo dad rayid ah.

“ Waxaa gebi ahaan gubtey magaaladii oo aan waxba ka harin. Dhaawacii labada dhanba waa uu tira beeley. Waxaa la qabtay rag badan oo uu kamid yahay Yuusuf Boqor Cismaan oo lagu xabisey isla maraakiibtii. Magaaladii waa la cidleeyey, iyadii oo gubatay ayaa ciidamadii Talyaaniga ay calankoodii ka taageen. Kaasi wuxuu ahaa dagaalkii ugu horeeyey ee dhex-mara Talyaaniga iyo boqortooyadii Majeertiinya “. (Isla marjicii hore. S. 278).

Dhacdadaasi waxay ahayd mid nadaamkii gumeysigu uu ku cadaadinayay Soomaalida. Isla-markaas waxay ahayd dagaal hubeysan oo laba xoog ay isaga hor yimaadaan kii ugu horeeyey. Xabbadahaas ka qarxay Baargaal waxay sabab u noqdeen meelo badan oo gobolka ah uu dagaal ka qarxo. Ciidamadii Talyaaniga waxay markaas la kulmeen dhaqdhaqaaq iska-caabin ee xoog wayn. Talyaanigii oo si xooggan badda u fadhiyay ayaa markaas wuxuu bilaabay in uu si buuxda u xayiro dhamaan degmooyinkii gobolka ee xeebaha ku yiil. Yuusuf Sharmaarke oo ku magic-dheeraa (Shan ku-kibir), wuxuu kamid ahaa abwaanadii xilligaas adag ka tiriyay suugaanta. Gabey uu lahaa ayaa tixihiisii waxaa kamid ahaa:

Rabbi tiis la laabane intaan dabaqa ley tuurin
Inaan gaalo taabac u noqdaa tu’an ahaan weeye
Tib la qorey tebbedo dhaansan iyo teneg la ii miiso
Tunkoo leyga saariyo karbaash la igu toogeysto
Ama turuqyadoo leyga xiro sida anoo tuug ah
Iyo naagahoo loo tashado aniga oo taagan
Tira badan ha joogtee intuu toban jihaadaayo
Tallaahaan ku dhaartaye xarbaa igala tool-roone.
(Yuusuf Sharmaarke)

Casharkii 10aad

September 11, 2011

Waxaa bilowdey fara isa-saarkii u dhexeeyay Soomaalidii ku dhaqneyd Majeertiinya iyo xoogaggii is-dhadnaa ee Talyaaniga uu ka soo dejiyay xeebihii gobolka. Colaaddaasi waxay si buuxda u amba-qaaday dabayaaqadii bishii oktoober 1925-kii. Talyaanigu wuxuu markaas itaalkiisii isugu geeyey weeraradii hore oo uu ku duqeynayay degmooyinka xeebaha ku yaal. Waxaa markaas bilowdey dagaalka ay Soomaalida u yaqaaniin magaca ah Daaro-garaac. Talyaanigu wuxuu madaafiicdiisa la beeganayay daarihii ka dhisnaa degmooyinkii waawaynaa ee xeebaha gobolka ku yiil. Maato badan iyo rag kamid ah akhyaartii degaanka ayay galaafteen qaraxyadii uu Talyaanigu la dhacayay aqalladii ay dadku ku dhaqnaayeen. Maxamuud-cadde Cali (Uur-gub) ayaa kamid ahaa akhyaartii ku dhimatey duqeyntii degmada Baar-gaal.

Dhulka gobolku wuxuu leeyahay cimilo adag oo aanan u saamaxayn Talyaaniga in uu ku gaadiido ciidamo tira badan iyo salabkooda. Taas ayaa sabab u ahayd in Talyaanigu uu marka hore weeraro meelaha uu dhib-yarida ku bur-burin karo. Meelahaasi waxay noqdeen degmooyinkii ku yiil xeebaha oo uu ganacsigu ka jiray. Waxaa kaloo uu dareensanaa, dhaawaca soo gaara degmooyinkaas in sabab u noqonayo in ay curyaanto nolosha ka jirta gudah Majeertiinya. Waxaa xusid mudan in xilligaas ay jireen degmooyin badan ee xeebaha gobolka ku yiil, kuwaas oo Soomaalidu ay ka adeegan jireen. Ganacsiga badan ee halkaas ka soo dega waxaa lagu qaadi jiray awr, kuwaas oo lagu gaarsiin jiray dhulka gudaha ah ee dalka. Ragga ganacsatada ahaa ee awrta ka raran jiray degmooyinkii xeebaha ahaa, waxaa loo yiqiin yiqiin Kabare.

Degmooyinka iyo tuulooyinka xeebaha ku yiil ee xilligaas hoos imanayay maamulkii Boqor Cismaan, waxay ahaayeen 43. Waxaa magacyadooda inoo soo miin-guurshay Khaalid Cali-Guul. Isagu wuxuu ku sheegey in ay ahaayeen kuwan: Ayl, Guurane, Gabbac, Joog-joogto, Garmaal, Xoor, Dur-dura, Biya-kulule, Macdar, Bender-Beyla, Sheebaab, Cadwa, Wareeg, Jaceel, Foocaar, Hashica, Xaafuun, Hurdiya, Xandha, Ras-Binna, Guba-dhinna, Baar-gaal, Raas-Caseyr, Seymo, Tooxin, Wareegsane, Ollog, Bareeda, Caluula, Booli-moog, Xaabo, Geesaley, Ina Waleembe, Garsa, Murcanyo, Dhurbo, Butiyaalo, Qandala, Buruc, Hantaara, Bacaad, Bender-Qaasim (Boosaaso) iyo Bender Siyaad (Qow). Degmooyinkaas ayaa badankoodu waxay noloshii ka baaba’day duqeymihii ay maraakiibta Talyaaniga u geysteen. Qaar kalena waxay la baaba’een markii maamulkii Majeertiinya uu bur-buray.

“ Dgaalkan magaalooyinka xeebaha ah ka dhacay, wuxuu sababay in magaalooyin badani bur-buraan oo aanan dib loogu noqon. Bur-burka waxaa u weheliyay bur-cad badeeddii Talyaaniga oo ka hor-joogsadey in ay doonyuhu soo galaan ama ka baxaan oo wax la dhoofsado. Taasi waxay curyaamisey degaano qiimi lahaa oo weliba kheyraad badan oo aan meelo kale laga helin, kuwaas oo gobolka laga dhoofin jiray “.(Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. S. 280).

Degmooyinkaas iyo tuulooyinkaas inkasta oo ay ahaayeen kuwo ka yar-yar kuwa manta jira, misana dhamaantood waxaa ka jiray dhaqdhaqaaq nololeed oo ku dhisnaa ka faa’iideysiga badda iyo ganacsiga. Duqeymihii degmooyinkii ugu waawaynaa ee degaanka iyo doonyihii uu Talyaanigu qabsadey, sabab uma ayan noqon in Boqor Cismaan uu is-dhiibo. Bal dhulka gudaha ah ayuu u aag-beddeshay si ciidamadiisu ay dagaalka u sii wadaan. Boqor Cismaan iyo xaashaadiisii, waxay markaas fariisteen dooxada lagu magacaabo Dharoor ee ku taal xuddunta gobolka. Ragga uu Boqorku Dharoor ugu tegey waxaa kamid ahaa Caaqil Aw-Muuse Xaaji Maxamuud oo halkaas ku soo dhoweeyey.

Dharoor waa dooxo ballaaran oo ku fadhida dhul gaaraya 180 km. Afarta jaho waxaa kaga xeeran buuraha Cal-madow (galbeed iyo waqooyi-galbeed) iyo buuraha Karkaar (koonfur, bari iyo waqooyi-bari.). Hanti badan oo xoolo ah ayaa halkaas ku dhaqnaa. Waxaa jiray saddex qalcadood oo dooxada laga ilaalin jiray. Qalcadda God-dhurwaa waxay ka dhisneyd dhanka bari, waxay dooxada u jirtay 3 km. Qalcadda Isku-shuban waxay ka dhisneyd jahada koonfur-galbeed, waxay doocada u jirtay 12 km. Qalcadda Ceel-dheero waxay ka dhisneyd dhanka waqooyi, waxay dooxada u jirtay 42 km.

Sida aanu soo xusney, ma jirin qorshe uu Talaayanigu ku mardaadiyo, kaas oo uu horey u dejiyay oo la xiriira sidii weerar dhulka ah ay ciidamadiisu ugu qaadi lahaayeen ciidamada boqorka. Weerarka dhulkuna maahayn mid uu markiiba qaadi karay oo cimilada dhismo-dhuleedka ah ayaanan u saamaxayn. Sidaa darteed, markii Baargaal la bur-buriyay, xaakimkii Talyaanig De Vecchi wuxuu go’aansadey bartii laga hoggaamin lahaa weeraraka Dharoor in ay noqoto Boosaaso. 2/ 11- 1925-kii ayuu De Vecchi soo gaaray Boosaaso iyo degmada u dhow ee ah Qow. Labadii degmo waxaa lagu garaacey madaafiic. Nasiib wanaag dad badan ma joogin oo xagaa-bixii dabadeed, colaadda heshay degmooyinkii xeebaha ku yiil darteed ayaanan dib loogu soo laaban. Dabadeed iyada oo aanan dagaal dhicin ayaa ciidamadii Talyaaniga ay la wareegeen labadii Degmo. Waxay maxbuus ahaan u qab-qabteen raggii ka talinayay degaanka oo uu ugu waynaa Axmad Boqor Maxamuud oo ahaa Boqor Cismaan Boqor Maxamuud walaalkiis, kuna magac dheeraa Axmad-Taajir.

Degmada Boosaaso waxay ku taal waddada keliya oo u furan dooxada Dharoor. Haddii laga tallaabo buuraha Cal-madow, meel la yiraahdo Kala-baydh ayaa looga leexdaa dhul dooxeedyada ay Dharoor kamidka tahay. Sidaa darteed xaakimkii Talyaaniga De Vecchi, waxaa uu guddoonsadey in Boosaaso ay noqoto saldhiggii lagaga duuli lahaa Dharoor. Wuxuu bilaabay abaabul cusub oo degmada Boosaaso uu ku soo daad-gureynayo xooggii ciidamadiisa iyo agabkii ay ku dagaalami lahaayeen. Si sidaas lamid ah ayaa dhankii Soomaaliduna leysaga diyaariyay in leyska caabiyo gumeysiga. Khaalid Cali Guul oo arintaas ka sheekeynaya wuxuu qorey sidan:

“ Dad-waynihii meel kasta oo ay joogeen waxay isu diyaariyeen dagaal beled xeebeed iyo birri miyiba. Boqor Cismaan iyo rag badan oo ciidamo ah waxaa la is-gaarsiiyay in meel kasta lagula dagaalamo Talyaaniga. Boqorkii wuxuu u wareegey oo saldhig ka dhigtey halka dadku u badan yahay oo ahayd dooxada Dharoor. Masuuliintii magaalooyinkii xeebaha ku yiil waxaa mid kasta uu diyaarsadey ciidamo ka howl-gala, mid-kasta aaggiisa. Islamarkaas xaakimkii Talyaaniga waxaa loo diray waraaq ay saxiixeen odeyaal badan, taas oo loogu sheegayo in ay diyaar u yihiin dagaal haddii uu Talyaanigu diidey nabaddii “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 275).

Xilligaas Talyaanigu wuxuu ku guda jiray sidii uu Boosaaso weerar uga soo qaadi lahaa. Saddexdii degmo ee ugu waynaa ee uu gacanta ku dhigey, mid waliba wuxuu ku soo reebey ciidan koox ah iyo maraakiib wax duqeeya. Ujeeddadu waxay ahayd haddii la jebiyo ciidankaas dhulka ku sugan, in uu badda ka soo duqeeyo. Degmooyinka saddexda ah waxay ahaayeen Xaafuun, Baar-gaal iyo Caluula. Sidaas ayaa gobolkii Majeertiinya waxaa uga bilowdey xanaftii dagaalka ay labada ciidan ku hardamayeen. Ciidan u dhashay Soomaali oo hadafkoodu ku xiriirsan yahay hadafka ay u dirirayeen jabhadihii ugu horeeyey ee Talyaaniga kula diriray Kismaayo iyo Marka. Iyo kuwii xigay oo ay ugu waynaayeen halgamadii ay hoggaaminayeen Shiikh Xasan Barsane iyo Cumar Samantar. Halgamadaas iyo kuwo badan oo gumeysigu dhiciseeyey ayaa guusha waxaa ka hor-taagnaa aragtida ummadeed ee maqan. Xooggii iyo awooddii is-buuxin lahayd markii ay iyadu noqoto mid is-xoqda, xeer nololeed weeye in xoog shisheeye oo ummad ahaan isu ururshey in ay ka dhex faa’iideystaan oo boob ugu yimaadaan.

Dagaaladii badnaa ee markaas gobolka ka ololey kuwoodii ugu horeeyey waxaa kamid ah dagaal ay qaadeen dhallinyaro ciidan ahayd oo fadhidey degaanka Tooxin. Degmadan ayaa waxay 18 km. koonfur ka xigtaa degmada Raas-Caseyr ee ku taal xagasha waqooyi-bari ee gobolka. Waa fiiqa geeska ah oo xeebteedu dhanka bari ay ka tahay Bad-waynta Hindiya, dhanka waqooyina ay ka tahay Badda Cas. Dhallinyaradaasi oo tiradoodu lagu qiyaasey 300 ayaa waxay isku urursadeen meel la yiraahdo Heliso. Waxaa odey u ahaa nin la yiraahdo Ismaaciil Cismaan.

24/ 11- 1925-kii, qeyb kamid ah ciidankaas ayaa waxay weerar ku qaadeen xarun uu Talyaaniga ku lahaa degmada Raas-Caseyr (Gardafooy). Talyaaniga waxaa degmada uu ka dhisey munaaraddii ugu hilanka cusleyd munaaradihii uu ka dhisey xeebaha Soomaaliya eek u wajahan Bad-waynta Hindiya. Degmooyinka Kismaayo, Baraawe, Xamar, Hobyo, Xaafuun ayuu dhamaan dekadahooda wuxuu ka taagay dhismo munaarad oo feynuus wayn ay dusha kaga jirto. Maraakiibta ayaa habeenkii bidhaansada si ay degmada u soo haleelaan. Munaaradda Raas-caseyr waxay kaga duwaneyd kuwan, iyadu waxay ishaaro u ahayd maraakiibta badan ee isga-gooshaya biyaha labada (Bad-waynta Hindiya iyo Badda Cas).

Ninka ka danbeeyey dhismaha munaaradda Raas-caseyr waxaa la oran jiray Faro Francesco Crispi, kaas oo ra’iisul-wasaare ka noqdey dalka Talyaaniga muddadii u dhexeysey 1893 – 1896. Waxaa kaloo ninkaas loo yiqiin Crispi III. Markaas ay dagaalyahannadu weerarayaan munaaradda Raas-caseyr, da’deedu sanad ayuu ahaa. Waxaa halkaas ku sugnaa unug ciidan ah oo Talyaani u badan. Dhallinyaradii weerarka qaadday waxay xaruntii ku dileen 6kamid ah askartii ilaalada ahayd oo afar kamid ah ay Talyaani ahaayeen, iyo labo shaqaalihii munaaradda ahaa. Waxaa kaloo goobtaas lagu diley Aldo Jhona oo ahaa farsama-yaqaankii munaaradda. Dabadeed munaaraddii ayaa halkii lagu bur-buriyey.

Markey arintaasi dhacdey, waxaa soo gurmadey ciidan koox ah oo Talyaaniga u fadhiyay degmada Tooxin. Waxaa hoggaaminayay sarkaal la yiraahdo Cap. Gatti. Ciidamadii boqorka waxay markiiba galeen jidgooyo. Weerarkii qabsadey ciidankii Talyaaniga, waxaa uga dhintey 20 askari oo uu kamid yahay hoggaamiyahoodii Cap. Gatti. Qoryihii ay wateen ayaa dhamaan waxay gacanta u galeen dagaalyahannadii Soomaalida ahayd. Qoryaha ay halkaas ka heleen waxaa kamid ahaa qori kuwa darandooriga u dhaca oo Soomaalidu u tiqiin Bambam. Dhaawaca gaaray dagaalyahannadii Soomaaliyeed wuxuu ahaa, siddeed nin oo ka dhimatay iyo saddex ka dhaawacantay. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 275).

Degmada Hurdiya ee dhanka waqooyi ka saran Xaafuun, ayaa waxaa ka dhisneyd wershad wayn oo cusbada laga dhoofiyo. Wershadaha ay leeyihiin waddamada Ruushka, Jabaan iyo Jarmalka ayaa cusbadaa qaadan jiray. Cusbadu markii kiimiko ahaan loo kala dhilqiyo waxay noqotaa laba cunsur oo ahmiyad u leh sameynta agab badan oo dadku adeegsado. Labadaas cusnsur ayaa waxay yihiin sodium-chloride. Sidaa darteed Talyaanigu kharaj badan ayaa ka soo geli jiray cusbada wershaddan.

Inkasta oo shaqaaluhu ay u badnaayeen Soomaali, misana Talyaaniga waxaa u joogey labaatan nin oo farsamo-yaqaano ahaa. Iyagu markii ay maqleen shiddadii ka dhacdey Raas-Caseyr, waxaa ku dhalatay cabsi. Taarkii ay dirsan lahaayeen oo ay kula xiriiri lahaayeen ciidamadoodii waa laga gooyay. Sidaa darteed waxay u kaceen dhanka buuraha si aanan degmada loogu iman oo aanan loo leyn. Markay arkeen in ay biya la’aan u dhimanayaan, waxay ku soo laabteen degmadii oo ciidamadii Soomaaliyeed ayan weli soo gelin. Waxaa xusid mudan, ciidan 500 gaaraya in xilligaas ay fadhiyeen meel u dhow degmada Xaafuun. Waxaa odey u ahaa nin la yiraahdo Xaaji Yuusuf. Waxaa cududeynayay oo gadaalkooda fadhiyay 500 oo kale oo uu hoggaaminayay wiil ina Boqor Cismaan ah. Kaasi wuxuu ahaa Xirsi Boqor. Farsama-yaqaannadii Talyaaniga ahaa meelina waa qaadan weydey. Waxay ku carareen huuriyo oo waxay u qaxeen oo tageen Raas Xaafuun. Saddex maalmood ayay biya la’aan iyo cunno la’aan ahaayeen.

2/ 12- 1925-kii, xeebta degmada Hurdiya waxaa soo gaaray ciidamo Talyaani ah oo gurmad u socda. Degmadii oo cidla ah ayay ku soo degeen. Iyaga oo magaaladii dhex jooga ayaa weerar qabsadey. Waxaa soo hujuumey qeybo kamid ah ciidamadii Xirsi Boqor. Waxaa halkii lagaga dilay 35 nin. Hubkoodiina waa laga qaatay.

“ Gumaadkii Xaafuun ka dhacay waxaa soo ruqaansaday cuntub kamid ah maraakiibta dagaalka ee Talyaaniga ka joogey bad-waynta Hindiya (Divisione Navale Oceano Indiano). Qeybtani waxay ka koobneyd:

1) Markab wayn oo dadka qaada oo la yiraahdo Firenza. Ciidamada badda ee saran waxaa kamid ahaa guutadii II-aad ee Ereteriya, kuwaas oo loogu tala-galay in ay xoojiyaan ciidanka lugta.
2) Markab dagaal oo la yiraahdo Campania. Waxaa loogu tala galay in uu hubka culus ku garaaco Xaafuun iyo Hurdiya, si uu uga saaro dagaal-yahannada.
3) Markab dagaal oo la yiraahdo Savona, kaas oo isaguna kamid ahaa qeybtan
4) Markab dagaal oo la yiraahdo San Giorgio, kaas oo ka soo gurmadey xeebta Caluula. Waxaa saarnaa hal koox oo ciidan ah “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 283 – 284).

5/ 12- 1925-kii ayay raxantaas maraakiibta ah ay soo gaareen degaanka. Waxaa watay oo odey ka ahaa nin Admiraal ah. Waxay markiiba duqeyn ku bilaabeen labadii degmo ee ahaa Xaafuun iyo Hurdiya.

“ Waxaa halkaas lagu gubey labadii magaalo iyo wershaddii milixda. Waxaa isla-daryaamey buurihii ku teedsanaa magaalooyinka. Dagaalyahannadii waxay qabsadeen ceelashii biyaha macaa. Askartii Talyaaniga waxaa dhibaato ku noqotey sidii ay u heli lahaayeen biyo ay cabaan. Ceel ay ka cabi karaan waxaa markaas ugu sokeysa Xandha oo 12 km. u jirtay “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 284).

Si uu u sikiyo dagaalyahannada, wuxuu dhulka ku soo dejiyay abadii guuto oo uu ciidan ahaan u watay. Iyagu waxay ahaayeen guutada II-aad ee Banaadir iyo guutada II-aad ee Ereteriya. Dul Xaafuun oo magaalada ka baxsan ayay fariisteen. Halkaas ayaa waxaa ku bilowdey dagaallo jabhadeyn iyo goos-goos ah oo aanan ka joogsan ciidamadii Talyaaniga ahaa meesha soo fariistey.

Casharkii 11aad

September 21, 2011

Talyaanigii ciidamo badan ayuu ku soo dejiyay degmooyinkii uu u arkayay in ay ahmiyad istraateejiyadeed u leeyihiin weerarada uu ku doonayay in uu ku gumeeyo degaanka iyo dadkiisa. Degmooyinka uu markaas ciidamadiisa fariisiyey waxaa kamid ahaa Boosaaso iyo Xaafuun. Sheekooyinka odey ka-sheekeega ah ee ka waramaya dagaallada xilligaas dhacay waxaa kamid ah fal ka dhacay degmada Boosaaso. Koox dagaalyahanno ah ayaa weerar dhuumaaleysi ah ku soo qaadey meel Boosaaso bannaankeeda ah. Ujeeddadoodu waxay ahayd in ay furtaan qori ah kuwa daran-dooriga u dhaca (Bam-bam). Kooxdan oo kamid ahaa ciidamadii boqorka ayaa waxaa odey u ahaa nin la yiraahdo Xirsi Koora-yare. Talada ay ku duulayeen waxaa lahaa nin la yiraahdo Cali-Xarbi Yuusuf Boqor oo ciidanka la socdey. Isagu wuxuu ahaa nin dhallin-yar oo ku caan ahaa geesinimo. Waxaa awoowe u ahaa Boqor Cismaan.

Kooxdan dhallinyarada ah waxay khabar ku heleen in ay jiraan baqlo ay ku socdaan saraakiisha Talyaaniga ah oo Boosaaso ku sugan. Baqlahaas ayaa subaxii iyo galabtii waxaa la daajiyaa togga la yiraahdo Baalade ee hadda ku dhinac yaal gegida dayuuradaha ee Boosaaso. Daaq fiican oo toggaasi uu lahaa darteed, ayaa baqlaha loo keeni jiray si ay u meyracdaan. Qoriga bam-bamka ah wuxuu kamid ahaa qoryaha lagu ilaaliyo magaalada.

Dhallinyaradan weerarka ku tashatay waxaa kamid ahaa Khaalid Aw-Muuse, Yuusuf Maxamad Xaaji, Xaaji Yuusuf Maxamuud Sharmaarke, Cabdalle Bakhti, Maxamad Cilmi Daad, Muuse Yuusuf Boqor (oo isagu goor danbe la boqri doono) iyo rag kale. Goor habeen ah ayay lug kaga soo baxeen dooxadii Dharoor. Subaxnimadii intuusan waagu weli baryin ayay yimaadeen toggii Baalade. Xilligu wuxuu ahaa xagaa oo kuleyl daran ayaa jiray. Dhulku malahan meel gabbaad ah oo qorraxda laga har-galo. Kaliishii ayaa toos u heshey. Goor ay barqadii tahay ayaa baqlihii magaalada laga soo saarey. Caaqil Maxamuud Siciid Aw-Muuse oo sheekadan aanu ka soo xiganay, wuxuu yiri:

“Togga Baalade oo hadda ku dhinac yaal magaalada Boosaaso ayay dagaalyahanniintii fariisteen, halkaas oo waagii uu ugu baryay. Waxay goobtii ku gaareen qiyaas saddexdii saac oo barqadii ah. Markaas dabadeed ayaa baqlihii ay magaalada ka soo baxeen. Saddex saac oo meeshu ay xeeb tahah oo xilligu uu xagaa yahay, dhibaatadeeda ayay leedahay. Baqlihii, ciidan aan xooganeyn ayaa ka soo hor-maray. Ciidankii yaraa ee la socdey baqlaha, markii ay togga ku soo dhamaadeen ayaa waxaa heley dagaal dhuumaaleysi ah oo ayan fileyn. Markii ay tacshiiraddu bilaabatay, baqlihii waa ay kala carareen. Ciidankiina dib ayay u yaaceen. Waxaa goobtii lagu diley tobaneeye ciidankii Talyaaniga ahaa “. (Waxaan ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Caaqil Maxamuud Siciid Aw-Muuse. 19/ 4- 2010. Boosaaso – Soomaaliya).

Ciidankii Talyaaniga oo habqan ah ayaa dhankii magaalada ku cararay. Dagaalyahaniintii waa ay raacdeysteen, laakiin waxaa gadaal ka soo xabadeeyey nin ay geeri ahaan uga tageen aanse waxba qabin. Isagu carab ayuu ahaa u dhashay dalka Liibiya, kaas oo ka tirsanaa ciidamada Talyaaniga. Wuxuu iska dhigey nin meyd ah. Goortii ay orod ku dhaafeen ayuu tacshiirad qabadsiiyay. Dagaalyahaniintii nin ayaa goobtii kaga dhaawacmay. Kaasi wuxuu ahaa Yuusuf Maxamad Xaaji. Askarigii Liibiga ahaa ayay dib ugu soo laabteen oo ay dileen. Kooxdii dagaalyahaniinta ahaa dib ayay dhaawacoodii ula soo laabteen. Inkasta oo qorigii waynaa ayan helin misana qoryo kel ayay gacanta ku dhigeen.

Markii ay dhowr km. la soo socdeen dhaawacoodii, waxay gabbaad ka dhigteen dhagax dhinac-yaal buurta la yiraahdo Buur Tuugo oo dhnka koonfureed kaga aaddan gegida dayuuradaha ee Boosaaso. Iyaga oo nasiino ku jira ayaa meel u dhow oo dushooda ah waxaa uga muuqdey laba nin.

“ Waxay moodeen ilaaladii Talyaaniga ugu jiray buuraha. Laakiin labada wiil waxay ahaayeen geel-jire Soomaaliyeed oo laba halaad oo ay lahaayeen uu Talyaanigu ka dhacay, dabadeedna uu magaalada la galey. Laakiin dagaalyahanniintii waxay moodeen niman ah askar Talyaani. Xirsi Koora-yare ayaa markiiba xabbad ku furey dhankoodii. Mid ayuu ka diley. Xabbaddii yeertey ayaa ciidan Talyaani ah oo buurta meel shishe ka saaran ku soo baraarugeen. Waxay bilaabeen in ay xabbado ku soo ridaan dhankii dagaalyahannada. Xirsi Koora-yare oo isagu ahaa hoggaamiyihii kooxda, ayay labada bowdyo jebisey “. (Waxaan ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Caaqil Maxamuud Siciid Aw-Muuse. 19/ 4- 2010. Boosaaso – Soomaaliya).

Khaalid Aw-Muuse ayaa wuxuu damcay in uu Xirsi qaado. Xirsi waa uu diidey oo wuxuu yiri: Khaalidow lafahaaga la baxso. Xabbad labaad baa soo dhacdey oo Khaalid bey ….. kaga dhacdey. Xirsi ayaa markaas dhawaaqey oo Khaalid ku yiri: Meel xille Allaha ku dhigee orod oo iga tag. Khaalid waa uu soo baxay. Raggiina waa lakala yaacay. Caaqil Maxamuud oo sheekadan ka warinaya adeerkiis Khaalid Aw-Muuse wuxuu yiri:

“ Khaalid Aw-Muuse wuxuu igu yiri: Raggii waa uu kala baxsadey. Aniguna goortaan soo baxsadey, waxaa ii muuqdey mara cad oo ka baf-baf leh geed dhirin-dhir ah dushiis. Waan eegey, mase Cali-Xarbi oo miyir la’ ayaa hoos jiifa. Waxaa miyir tirey harraad “. (Isla-marjicii hore).

Inkasta oo Cali-Xarbi uu ahaa nin xoog wayn, misana Khaalid qudhiisu waa uu xoogganaa oo waa uu qaadey. Dhagax gudaadka xeebta yaal ayuu ku kala rogey. Wuxuu sii sideyba wuxuu geeyey dhagcaan oo biyihiisu ay badda kaga shubaan gegida dayuuradaha dusheeda. Halkaas ay labada biyood isaga darsoomaan. Meel biyaha dhexdeeda ah oo uunu ku hafan, diirimaadna uu ka helo ayuu Khaalid dhigey saaxiibkiis. Dabadeed waa uu socdey oo wuxuu dooney raggii ciidanka ahaa. Meel laas ah oo uu yiqiin ayuu ugu tegey. Xabbad ayuu dushoodii ka ridey oo dhamaantood khasab ku soo kexeeyey. Nin waliba shaatigii uu qabay ayuu soo qooyay oo biyo ku soo qaadey. Biyahaas ayay ula tageen Cali Xarbi oo afkiisii ku gororiyeen.

Galabnimadii ayaa Cali-Xarbi ay naftii ku soo noqotey. Taasina waxay ka danbeysey markii uu nasty biyona heley. Dabadeed si ay raashin u helaan ayuu wuxuu yiri:

“ Intiina kale jooga. Aniga, Khaalid Aw-Muuse iyo Maxamuud Cilmi Daad ayaa baxayna. Waxaanu neef ka soo qalaneynaa qoyskii reer hebel ahaa “.(Isla-marjicii hore).

Reerka ay doonayaan in ay xoog uga loogtaan waa qoys ku caan ahaa in ay raaceen Talyaaniga. Xabbadihii saaka yeerey darteed ayay la guureen oo waxay ku sii socdeen xadka u dhexeeyay maamulka Talyaaniga iyo maamulka Ingiriiska. Sidii ayay saddexdii nin kaga daba-tageen reerihii oo sii qaxaya. Iyagu waxay markaas u qaxayeen degaanka uu Ingiriisku ka taliyo. Waxaa halkaas odey ka ahaa nin Ingiriis ah oo Soomaalidu ay magaciisa u yiqiineen Laaran. Neef geel ah ayay reerihii qaxay ka soo ka-xeysteen, kaas oo ay saaxiibadood ula yimaadeen. Goobtii ayay habeenkii ku loogteen hashii. Maxamuud Cilmi Daad oo dagaalyahaniintaas kamid ahaa ayaa dhacdadan gabey qurxoon ka tiriyay. Tixihiisii waxaa kamid ah sidan:

Legga dabar ladiidaha banka ah laabashada qoyska

Nin waliba libaax buu ahaa laafyihii gole’e

Leysteen maroodiya sidiis luqunta loo taagye

Marse haddii la looltamey kufriga amase leys-laayey

Libiqsiinadii hore haddey liifaddu istaagtey

Haddii aan labeebyadu baqeyn libin ma weyneyne

Waxaa loonka baas inagu gurey liidadkaan garane

Nin jinaadka loof lagala baxay laaqin wayn malehe

Sow Yuusuf liishaamintii gacan ma laad-laadin

Sow Cali sidii leys martiya reero kama loogan

Lasha-lash orodka sow looguma tegin Laaran xeradiisa

Alla sow qalbigi looshanaa dib uma soo laabmin (Maxamad Cilmi Daad)

Dagaalladii dhacay tan iyo dabayaaqadii sanadkii 1925-kii, dhaawac xooggan ayay ku keeneen dad-waynihii Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa degaanka. Waxaa dagaalladii ku dhintey dad gaaraya dhowr boqol oo qof. Tiro intaas le’egna waa ay ku dhaawacmeen. Degmooyin ahmiyad lahaana waa ay ku burbureen. Waxaa kaloo Talyaanigu uu la wareegey doonyo tiradoodu ay gaarayaan 80. Dad iyo wixii duunyo ahaa ee saarnaa meel ay ku danbeeyeen aanan la helin.

Talyaanigii, inkasta oo dhaawaca intaas le’eg uu u geystey dadkii ku dhaqnaa gobolka, misana isuma ayan dhiibin. Meel kasta oo uu cagaha dhigo wuxuu kala kulmayay gadood iyo kuleyl uu la nasan waayay. Dhowrkii bilood oo ugu horeeyey sanadkii 1926-kii, dagaallo dhuumaaleysi ah ayaa lagu harqiyay ciidamadii Talyaaniga. Markii uu gaari waayay guul uu ku naalloodo, wuxuu bilaabay in uu wax ka beddelo qorshihiisii dagaalka. Wuxuu markaan ku fekerey qorshe iskudey ah oo uu dhanka koonfureed uu weerar dhulka ah kaga soo qaado gobolka. Marka uu Talyaanigu qorshahan dooranayo, waa uu fahamsanaa qallafsanaanta uu leeyahay weerarka uu ka qaadayo jahadan koonfureed. Ciidamadii Daraawiishta oo ay colaad ka dhexeysey saldanadda Majeertiinya, ayaa awood u yeelan waayay in ay ka gudbaan aagaggaa hore oo ay fadhiyeen ciidamada boqorka. Doorashada Talyaaniga qorshahan waxay la xiriirtey caal-waa uu kala kulmay weeraradii uu badda ka soo qaadey.

“ Wixii ciidan ahaa oo uu ugu tala-galay saldanaddii Hobyo iyo kuwo cusub oo uu gobolka ka qoray oo lagu kordhiyay, waxaa loo soo wareejiyay dagaalkan cusub ee Majeertiinya. Wixii ciidan lugeed ahaa waxaa lagu soo ururshey Ilig iyo Eyl, halkaas oo maraakiib ay ku soo daad-gureeyeen. Qeybona lug ayay ku yimaadeen, waxaa kamid ahaa ciidan 1.200 duub-cad iyo baando ah. Waxaa hoggaaminayay Major Bechis “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 285).

Ciidamadii duub-cadda ahayd ee uu hor-kacayay Gaashaanle Bechis, iyaga oo raxamo ah ayay ka soo kaceen gobolka Hiiraan. Waxay afka saareen dhanka waqooyi, iyaga oo u soo kacay si ay uga qeyb qaataan dagaallada ka socda Majeertiinya. Degaanka Shiilaabo waxaa ku sugnaa kooxdii Fallaago oo aanan weli u gudbin gudaha gobolka Ogaadeenya. Gaashaanle Bechis markii uu ka war-heley in Fallaago ay ku sugan yihiin degaanka, wuxuu u direy koox 200 oo nin ah, kuwaas oo u badnaa Soomaali. Ciidankii Fallaago jid-gooyo ayay u galeen. Labadii ciidan (Fallaago iyo Duub-cad) waxay isku heleen meel la yiraahdo Baal-cadde markay taariikhdu ahayd 15/ 1- 1926-kii. Kadib markii jid-gooyo loo galay, ciidamadii Talyaaniga waxaa la gaarsiiyay dhaawac xooggan.

“ Talyaanigii waxay qirteen in dagaalkaas ay kaga dhinteen 58 nin oo Soomaali u badnaa. Waxaa laga dhaawacay 60 askari. Islamarkaas 30 askari waa la waayay oo waxay u qaateen in maxaabiis ahaan loo kexeystey “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 259).

Ciidankan kooxihiisii soo badbaaday waxay kamid noqdeen xoogaggii lagu soo ururinayay magaalada Eyl ee badda iyo birriga lagu keeney. Waxaa halkaas leysugu keeney ciidan gaaraya lix guuto. Saddex guuto oo kamid ah waxay ahaayeen Soomaali oo waxaa laga soo qorey gobollada Benaadir, Jubbada Sare iyo Mudug. Saddexda guuto ee kale waxay ahaayeen ciidan laga keeney Ereteriya. Waxaa weheliyay lix kooxood oo madaafiicda ku dirirta. Farsamo yaqaano waxaa ka ahaa Talyaani iyo Carab. Taliska laga hagayay wuxuu dul saarnaa markab badda dhexdeeda ku sugan. Howl-galkan ayaa Talyaanigu wuxuu ku magacaabay Qorshihii Labaad. Waxaa odey looga dhigey sarkaal magaciisa la yiraahdo Leut./ Col. Bergesio. (Isla-marjicii hore 285).

15/ 3- 1926-kii, ciidankii la ururinayay wuxuu ku diyaargaroobey degmada Eyl. Ciidankan oo laba madax loo qeybiyay ayaa waajibkooda koowaad wuxuu ahaa in ay u dhaqaaqaan dhulka dooxooyinka ah ee degmada Eyl ka xiga dhanka waqooyi. Madaxa hore wuxuu u baxay Nugaal-Godan. Dabadeed qorshuhu wuxuu yahay in uu gaaro degmada Qardho. Madaxa labaad ee ciidanka, waxay u baxeen Iyax Geed-Gaaban. Waxaa tilmaantoodu ahayd in ay gaaraan Biya-caddo. Markii ay bilaabeen in ay dhaqaaqaan ayaa dhac iyo dulmi waxay ku bilaabeen dadkii reer miyiga ahaa. Ciidanku maahayn kuwo sahay fiican watay. Waxaa raashin u ahaa xoolaha ay ka dhacaan duddooyinka ay sii marayeen. Khaalid Cali Guul wuxuu ka sheekeeyey nin uu la kulmay oo la yiraahdo Cuuke oo la socdey ciidamada Talyaaniga. Ninkaasi wuxuu sheegey:

“ Maalin la soo dhacay xoolo ari ah oo gaaraya shan kun oo neef. Ciidanku wuxuu dhamaa 1.800 oo askari. Waxaa xoolihii qalliin lagu dhameeyey toban maalmood. Neef qura cidihii lahaa uma noqon “. (Isla-marjicii hore. S. 287)

Casharkii 12aad

September 30, 2011

Sida aanu soo xusney guutooyinkii u adeegayay xooggii gumeystaha, waxaa lagu soo ururshey degmada Eyl. Dabadeed waxay guda-galeen howl-galladii weerarka ahaa oo ay kaga hor-tegayeen dagaalyahaniintii axraarta ahayd. Ciidamadii Talyaanigu watay iyaga oo laba af ah ayaa waxay u hayaameen dhanka waqooyi. Ciidan waxay qaadeen dhulka xeebta ku dhereran ee degmada Eyl kaga began waqooyiga, degaankana dhanka bari ka xiga. Ciidanka kale, qudhoodu waxay u hayaameen dhanka waqooyi, laakiin dhulka gudaha ah ee dooxooyinka u badan ayay ku socdeen. Guutooyinkii ku hayaamay dhulka xeebta xiga waxay ku baaheen dhulka dooxooyinka ah ee dhuun Nugaaleed. Ciidamadan tirada badan ee ku dhaqaaqay gudaha gobolka Majeertiinya, waxaa hor-fadhiyay ciidan ururo ah oo wadarta tiradoodu ay dhan tahay 2.000 oo nin. Waxaa hoggaaminayay Xirsi Boqor. Iyagu waxay ku firirsanaayeen xeebta degmada Beyla illaa magaalada Qardho ee gudaha ku jirta. Waxaa ciidankaas kamid ahaa 200 oo fardooley ah.

Ciidankii u kacay dhanka Iyax waxay gaareen Biyacaddo oo dhanka waqooyi degmada Eyl ka jirta 45 km. Halkaas ayay ka sameysteen fariisin ciidameed. Iyagu ma ayan helin fursad ay ku nagaadaan. Taasina waxaa ay ka danbeysey markii uu qabsadey weerar xooggan oo kaga yimid dhanka ciidamadii Xirsi Boqor. Dagaal ba’an oo muddo toddobaad ku dhow socdey ayaa labadii ciidan ay isku riiqmeen. Dhulka leysku fara-saarey wuxuu ahaa mid aad u ballaaran.

“ Halkaas waxaa ka dhacay dagaalkii ugu geerida badnaa ee labada dhinac hela. Meesha dagaalka xooggiisu uu ka dhacay waxay ahayd Hoosa-wayne. Waxaa dagaalka galay dad-waynihii degaanka oo dhan. Qof waliba hubkii ayuu qaatay “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 288. Copenhagen – Denmark).

Culeyska uu dagaalkan lahaa waxaa laga garan karaa dadka kaga dhintey labada dhinac. Wadar waxaa lagu qiyaasey in ay ka badnaayeen shan boqol oo qof. Geerida waxay u badneyd dhanka Soomaalida, gaar ahaan dad-waynihii xoogga uga soo qeyb-galay dagaalka ayaa ku hoobtey. Talyaaniga dhankiisa wuxuu keeney gurmad isugu jira ciidan iyo hub. Ugu danbeyntii isaga ayaa ku guuleystey. Dabadeed wuxuu halkii ku gaba-gabeeyey reer miyigii degaanka. Khaalid Cali-Guul oo arintaas ka sheekeynaya wuxuu qorey sidaan:

“ Goobtaas waxaa ku dhintey rag aad u badan oo ay kamid yihiin laba adeeradey ah. Waxaa maalintaas la qabtey aabahay Cali-Guul. Waxaa fakiyay (oo sii daayay) nin kamid ahaa askarta Talyaaniga oo la oran jiray Abyan. Halkaas ayaa aabahay uu ku nabad-galay “. (Isla marjicii hore).

Ciidankii kale ee ku socdaalay dhulka gudaha ah, iyagu waxay gaareen degaanka Kallis iyo Sin-ujiif. Degaanku wuxuu leeyahay ceelal, sidaa darteed ayay halkii ka dhigteen fariisimo ciidameed. Iyagu waxay ogaayeen in dhulka ka horeeya uu yahay dhul oomane ah oo aanan biyo lahayn. Meesha ugu sokeysa oo ay biyo ka heli karaan waa Kalyaxeed. Haddaba waxay ku dadaaleen in ay u howl-galaan, muddadada ay goobahan fadhiyaan in ay isku baahiyaan dhanka galbeed oo ay gaaraan xuduuddii uu Talyaaniga la dhigtey Ingiriiska.

Muddadii ciidamadu ay arimahaas ku howlanaayeen, waxaa ka baxsadey rag badan oo kamid ah Soomaalidii ciidanka ahaa. Iyagu waxay u badnaayeen askar uu Talyaanigu ka soo qortey degaanka Gaalkacayo iyo Jirriiban, kuwaas oo horey uga mid ahaa ciidamadii Suldaan Cali Yuusuf. Ciidankan ayaa iyaga oo hubkoodii wata waxay ku biireen ciidamadii Xirsi Boqor. Ragga abaanduulayaasha ka ah dhanka ciidamada Soomaalida, iyagu waxay si wanaagsan ula socdeen dhaqdhaqaaqa ciidanka gumeysiga iyo meelaha ay saldhigyada ka dhigteen ee degaanka u ah. Taasi waxay dhalisey, dagaalyahanniintii Soomaaliyeed in ay qorsheystaan weerar xooggan oo ay ku qaadaan dhowr meelood oo saldhigyadii ciidamada gumeysiga fariisimaha u ahayd. Weeraradaas kuwoodii ugu xoogganaa ayaa waxay dhaceen markay taariikhdu ahayd 15/ 5- 1926-kii. Waxaa dagaalkan fuliyey ciidamo saddex qeybood u kala socdey.

Ciidankii qeybta koowaad tiradoodu waxay ahayd 500 oo nin oo ka soo baxay degmada Dhuudo. Waxay weerar ku beegteen degaanka Kallis. Waxaa hoggaaminayay nin la yiraahdo Maxamad Ciise. Taariikhdaas aanu soo xusney ayay degaanka Kallis isku heleen ciidankii halkaas u fadhiyay Talyaaniga. Dagaalkaasi waxaa dhaawac xooggan loogu geystey ciidamadii gumeysiga. Kediska lagu weeraray iyo jahooyinka looga yimid ayaa waxay sabab u noqotey in muddo gaaban lagu jebiyay ciidankii. Markii uu hoggaankii ka lumey, askartii Talyaaniga waxay noqdeen ugaar firxatay oo duurka lagu laayo. Qeybo kamid ah ciidankii dagaalyahniinta, waxaa kaloo ay weerareen ciidamo Talyaaniga u fadhiyay Af-gaduud iyo Ceel-maroodi, halkaas oo ay ka eryeen wuixii fadhiyay. Khaalid Cali-Guul oo ka sheekeynaya arintan wuxuu qorey sidaan:

“ Halkaas waxaa ka dhacay dagaal ay dagaalyahaniintu ku qabsadeen Kallis. Rag tira badan oo isugu jira Ereteri iyo Duub-cad Soomaali ah ayaa lagu laayay. Dhaawacaas waxaa sababay oo furintii u banneeyey qeybo kamid ah ciidankii Talyaaniga oo laga keeney Gaalkacayo. Iyagu waxay qaateen qoryahoodii oo waxay galeen buuraha. Dabadeed Mudug ayay sii aadeen “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 290. Copenhagen – Denmark).

Qeybtii labaad ee ciidanka dagaalyahannada, qudhoodu waxay ka soo baxeen degmada Dhuudo. Waxay kamid ahaayeen ciidamadii Xirsi Boqor. Iyagu waxay afka saareen degmada Eyl. Tirada ciidankan wuxuu gaarsiisnaa 550 nin, kuwaas oo si wanaagsan u hubeysnaa. Waxaa odey u ahaa Aadan Yuusuf (Dibindaabyo). Sahamada gar-wadeenada u ahaa waxay ahaayeen dadkii degaanka. Sidaa darteed waxay cadowga ka badiyeen dhulka iyo qaababkiisa. Taasi waxay u saamaxdey in xooggoodii uu si fudud u soo gaaro magaalada. Dabadeed dagaalkii wuxuu ka bilowdey laba saldhig oo ciidamada gumeysigu ay ka dhisteen labada af ee magaalada laga galo. Saldhigyadaas labada ah ayaa dagaalku si kedis ah uga bilowdey.

Gumaadkii loo geystey ciidamadii Talyaaniga, waxay ka muuqataa saraakiishii ciidanka oo ku wada dhintey dgaalka. Ninka ugu wayn oo dagaalkaas lagu diley wuxuu ahaa abaanduulihii dagaal-gelinayay ciidanka. Laakiin Soomaalida qudhoodii dhaawac ayaa ka soo gaarey dagaalkan. Dabadeed waxaa bilaabatay in badda laga soo duqeeyo magaalada.

“…….……………. Dabadeed waxaa la dalbaday markabkii Campania in uu kanooni ku garaaco magaalada iyo buuraha agagaarkeeda ah. Dad ayaa kaga dhintey labada dhanba leh. Waxaa kale oo meeshii ku bas-beeley qeybo kamid ah magaaladii “. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 290. Copenhagen – Denmark).

Qeybta saddexaad ee ciidankan waxaa odey u ahaa nin la yiraahdo Xasan Shirwac. Tirada ciidankan waxay ahayd 300 oo nin. Iyagu waxay toos u weerareen saldhiggii Biyacaddo oo ay ku sugnaayeen ciidan laba guuto ah. Guuto Soomaali ahayd iyo guuto Ereteri ahayd. Dagaalkii ay kooxdan ku qaadeen ciidankii fadhiyay Biyacaddo, waxay ku dileen 40 nin oo Ereteri ah. Xoolihii ay ciidanku wateenna waa ay kala wareegeen. Dhacdadaas dabadeed ciidamadii gumeysiga waxay dib isugu urureen degmada Eyl.

Weeraradan saddexda ah waxay soo gaba-gabeeyeen qorshihii labaad oo Talyaanigu uu ku damcay in uu ku qabsado gobolka Majeertiinya. Ciidamadii uu u qorsheeyey arintaas inbadan oo kamid ah waxay ku le’deen weeraradii ka dhacay gobolka muddadii dhowrka sano ahayd. Saraakiishii Talyaaniga ahaa oo gar-wadeennada ka ahaa dagaalka, qudhoodu waa ay ku baaba’een. Xaakimkii Talyaaniga Mario De Vecchi, wuxuu arintaas ku xusayaa buugga uu ku magacaabay “ Orizzenti d’Impero. 5-anni di Guerra “, kaas oo uu ku sheegey in rag qaali ah ay kaga baxeen dagaalladaas muddada shanta sano ah ka socdey geeska Afrika.

Jeneraal Maxamad Ibraahim Maxamad (Liiq-liiqato) ayaa qudhiisa xusey qeybo kamid ah dagaalladii xilligaas dhacay. Isagu wuxuu ka sheekeeyey dagaal ka dhacay koonfurta buuraha Karin, kaas oo taariikhdiisu ay ahayd 26/ 9- 1926-kii. Dagaalyahaniintu waxay markaan weerareen ciidan ilaalinayay xoolo badan oo laga soo dhacay reer miyigii Soomaaliyeed. Ciidamadii Talyaaniga u adeegayay oo Soomaali u badnaa waxaa halkaas lagaga diley 14 nin. Waxaa lagaga dhaawacay 100 nin. Wixii xoolo ahaa oo ay heysteena waa laga qunsadey. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 94, Muqdishow – Soomaaliya).

9/ 10- 1926-kii, ciidan gaaraya 800 oo uu hoggaaminayay nin la yiraahdo Cali Arbe, ayaa waxay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamadii Talyaaniga ka sameysteen degmada Qardho. Wixii ciidan ahaa oo uu gumeysiga halkaas ku soo ururshey nin kama baxsan. Magaaladiina waa laga qabsadey.

1/ 11- 1926-kii

2/ 11- 1926-kii, ciidan 1000 nin gaaraya ayuu ku weeraray degmada Butiyaalo ee xeebta ah. Degmadu waxay ahayd Khooriga keliya oo markaas u furnaa Soomaalida si ay ula xiriiraan dibadda. Ciidamadii Talyaaniga difaac adag ayaa ka hor yimid oo waa u suura-geli weydey in ay Kkhoorigii gacanta ku dhigaan. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 95, Muqdishow – Soomaaliya).

Xilligaas beelaha Soomaaliyeed dhamaantood waxaa gacanta ku hayay maamulladii gumeysatada. Gaar ahaan beelaha xuduudda la wadaaga gobolka Majeertiinya waxaa halkaas ka dhisnaa saddex maamul. Waxay ahaayeen maamulkii Daraawiishta oo Ingiriisku bur-buriyay, maamlkuu saldanadda Warsangeli oo qudheedu Ingiriisku qabsadey kadib markii uu suldaan Maxamuud Cali Shire uu maxbuus aha aula tegey, iyo maamulkii saldanaddii Hobyo oo Talyaanigu uu qabsadey suldaankiina Xamar maxbuus ahaan u geeyey.

Nin kamid ah dagaalyahaniintii ka dagaalamayay Majeertiinya ayaa xilligaas wuxuu gabey u direy beesha Warsangeli oo uu filayay in ay ka khasaaro yaraayeen dhaawacii ku dhacay Mudug Nugaal iyo Sool. Isagu wuxuu ku guubaabinayaa in ay dagaalka la soo galaan oo ay ku gadoodaan xaakimka Ingiriiska ah oo Soomaalidu ay magaciisa u tiqiin Laaran. Abwaanka oo magaciisa la yiraahdo Maxamuud Cilmi Daad, wuxuu gabeyga fariinta ah u sii dhiibayaa nin ay saaxiibo yihiin oo u socdey degaanka reer Abtigiis. Ninkaasi oo uu ku hal-qabsanayo waxaa magaciisa la yiraahdaa Axmad Gurey Shirwac. Gabeygii Maxamuud Cilmi Daad oo aan qeybtisii hore soo miin-guuriney wuxuu ahaa sidan:

  1. Axmadow adaa laabmaya aadin leyr sare’e
  2. Lugo lagama gooyow adaa leyradaas u kicine
  3. Adaa laashanihii Cowsaniyo tegin ladiiddiiye
  4. Lur yar baan ku-farayaaye gee Cumarku leeleelye
  5. Waxaa leejiyan ama la-diley bih ina Liibaane
  6. Lowga ugu aas reer Garaad waa laftaan rabeye
  7. Yaan gabeygu kala leexanine laanka ka higgaadi
  8. Waxse tiraa war kiinii lahaa waa ad-lumiseene
  9. Alleylehe sidii niman laf yara wayska luudeene
  10. Alleylehe gunnimo laabudiyaad luqunta saarteene
  11. Liilaaf ma weydeen haddaad luqufka diiddaane
  12. Loolkiini waxa doorshey waa toban lillaagoode
  13. Ninkaad Laaranow leedihiin laga lihiin roone
  14. Leydhoon haddaad ugu riddaan erey ma laabeene
  15. Laf-lafkaa dambuu idin la galey waa dagaal li’iye
  16. Laan-laanti reer Cali-Garaad uma lug duubeene
  17. Laad laguma dheelmeen raggii laashunka ahaaye
  18. Lafaha lama jebsheen caaqiliin feer aan loo turine
  19. Lacag lagama qaateen sidii kaar la leedsadeye
  20. Amba laabtu way ruxan sidii laan dabeyshadeye
  21. Waan laba-legdeeyaa hurdada ledina maaqaane
  22. Alla sow dagaal uma kacdaan duniba luul-luufe
  23. Rag suldaanki laga qaadey aan leexo kicineynin
  24. Oo sida haween laadan oo lebenka fuudaaya
  25. Ilaah baa ilehe laguma arag lugaha Daaroode
  26. Ar-maad laba kelyood loolisaan baraqu waa liide
  27. Askarba aanadi laalantiyo garayey luulkiiye
  28. Leyf buu noqdeye jeer horuu lumi lahaa gaade
  29. Sow wiil labeeyaa ma jiro leben ma-maalooyin.
    (Maxamuud Cilmi Daad)

Inkasta oo gabeygaas markii uu Sanaag gaarey ay ku soo baxeen kooxo dhallinyaro ah, misana waxay ahayd xilli halgankii la wiiqey. Markaas gumeystuhu wuxuu u gudbey qorshaha weerarkii saddexaad ee uu gobolka ku qabsadey. De Vecchi ayaa markii ay u caddaatey in uu ku khasaarey dagaalkii afarta sano socdey ee labada weji lahaa (weerarkii badda iyo kii dhulka), wuxuu dejiyay naqshadda weerarka saddexaad ee uu ku doonayay in uu ku gumeeyo dadka ku dhaqan gobolka. Inkasta oo ciidamadiisii dhaawac wayn la gaarsiiyay, misana wuxuu ogaa, dhaawaca gaarey dagaalyahannada in uu ka wayn yahay kan isaga gaarey. Waxay ahayd xilli ay rasaastii gabaabsi ku tahay gacmaha Soomaalida. Waayo muddadii uu dagaalku socdey, badahii ayuu ka xiray oo wax xiriir ah oo ay dibadda la lahaayeen ma jirin. Dagaalka waxay ku wadeen xoogaagii hubka ahaa oo ay horey u heysteen iyo wixii ay ku furteen dagaaladii ay la galeen Talyaaniga.

Waxaa kaloo jiray, muddadii uu dagaalku socdey, Talyaanigu wuxuu koonfur ku diyaarinayay ciidamo tira badan oo uu ku xoojiyo dagaalka kaga furan gobolka. Dabayaaqadii sanadkii 1926-kii ayaa Talyaanigu wuxuu bilaabaya in uu fuliyo qorshihiisii saddexaad ee uu ugu tala-galay in uu ku qabsado Majeertiinya. Qorshaha markaan wuxuu isugu jiray weerar wada-socda oo dhulka iyo badda ah. Wuxuu soo kordhiyay ciidamadii dhulka ka weerartami lahaa iyo maraakiibtii badda wax ka duqeyn lahayd. Raxan walba oo maraakiib ah aag ayuu u cayimay si ay duqeynta uga qeyb-qaataan. Isla-markaas ay ka qeyb-qaataan daad-gureynta ciidanka.

Casharkii 13aad

October 13, 2011

Dabayaaqadii 1926-kii, kadib markii xooggii gumeystaha uu ku fashilmey labadii qorshe-weerar ee hore, Talyaanigii wuxuu bilaabey qorshaha weerarkii saddexaad ee uu ku doonayay in uu kula wareego gobolka. Ciidamo tiro badan ayuu soo ceegaagey gobolka afartiisa jaho. Ciidankii ugu horeeyey oo dhamaa hal guuto, waxay ka soo dhaqaaqeen degmada Eyl markey taariikhdu ahayd 18/ 11- 1926-kii. Ciidankan oo hor-bax ahaa ayaa waxaa hoggaaminayay Cap. Rolle. Waajibka la siiyay guutadan wuxuu ahaa in ay jebiyaan ciidanka fadhiya qalcadda Dhuudo, dabadeed ay sii maraan Iskushuban oo haddey u suuragasho ay dooxada Dharoor kaga yimaadaan dhanka koonfur-bari. Degmada Dhuudo waxay ku taal meel istraateeji ah oo leh tog ayan biyuhu ka go’in. Si loo gaaro dooxooyinka ka shisheeya waxaa la maraa hal-waddo oo degmada afkeeda ah. Waa meelaha ay ciidamadu u yaqaaniin dhuun-quraaradeed (Buttle Neck Point). Sidaa darteed weerarkii labada ciidan ku dhex-maray Dhuudo afkeeda, waxaa lagu jebiyay ciidankii Talyaaniga. Waxaa goobtii lagaga diley 45 nin, waxaa lagaga dhaawacay 55 nin. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 293. Copenhagen – Denmark).

18/ 11- 1926-kii waxay ahayd maalintii ay ciidankan jabay ka soo baxeen degmada Eyl. Isla-maalintaas, waxaa jiray ciidan dagaalyahaniin Soomaaliyeed ahaa oo degmada u daba-maray ciidanka baxay. Iyagu waxay ku sugnaayeen buuraha ku meegaaran degmada Eyl. Halkaas ayay ka ilaashanayeen dhaqdhaqaaqa ciidanka cadowga. Markii ay hubsadeen, xooggii fadhiyay degmada in uu baxay, waxay weerar ku qaadeen magaalada gudaheedii. Waxay halkaas ku dileen 22 kamid ah askartii Talyaaniga. Waxaa kamid ahaa taliyihii lagu reebey degmada. Waxaa ku dhaawacmay rag 20 ka badan oo uu kamid ahaa taliye-xigeenkii. Labada ninba waxay u dhasheen Talyaani.

20/ 11- 1026-kii, laba guuto oo duub-cad Soomaali ah ayaa waxay ku dhaqaaqeen jahada degaanka Kallis. Qorshuhu wuxuu ahaa in ay Kalyaxeed sii maraan oo ay Qardho gaaraan. Dhulka dooxooyinka ah ee la yiraahdo Uur-Karkaar ayaa qorshuhu ahaa in ay ku kulmaan ciidamo ka imanaya dhanka Boosaaso iyo Qandala. Ciidamada ka soo baxayay labada degmo ee xeebta ku yaal, waxay ka soo gudbayaan buuraha Karin-Boosaaso. Ciidamadaasi dhamaan waxay u jeedaan dooxada Dharoor oo ahayd xarunta laga hagayay weerarada gumeysi-diidka ah.

Xaakimkii Talyaaniga De Vecchi oo Xamar ku laabtey, ayaa dib uga soo baxay markey taariikhdu ahayd 30/ 12- 1926-kii. Wuxuu soo raacay markab la yiraahdo Lussin isaga oo ku soo jeeda gobolka ay colaaddu ka hureyso. Ujeeddadiisa waxay ahayd in uu goob-jooge ka ahaado, isla-markaana uu talo ku yeesho weerarka lagu soo af-jarayo colaadda maamulkiisa kaga furan gobolka Majeertiinya. De Vecchi waxaa socdaalka ku weheliyay qaar kamid ah saraakiishii mustacmaradda. Markabkii ay saaraayeen, wuxuu soo gaarey degmada Xaafuun markey taariikhdu ahayd 8/ 1- 1927-kii. Dabadeed wuxuu markiiba xiriir la yeeshey saraakiishii hoggaaminayay ciidamadii maraakiibta lagu keeney.

“ Isagu (De Vecchi) wuxuu markaas amar ku bixiyay in Baar-gaal ay ka degaan hal guuto, Caluula ay ka degaan hal guuto, Butiyaalo ay ka degaan hal guuto, Qandala ay ka degaan hal guuto, Boosaaso ay ka degaan laba guuto (mid Ereteri ah iyo mid Zaptie’ ah). Kuwan danbe waxaa fadhigoodu noqonayaa buuraleyda Karin-Boosaaso “. (aIsla-marjicii hore. s. 294).

Laba guuto oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Bichis ayaa iyaguna ka soo degey degmada Xaafuun. Iyagu waxay u gudbeen dooxada Dharoor. Dooxadan iyo buuraha taxan ee ku weegaaran (waa buuraleyda Cal iyo buurleyda Kar-kaar) waxaa ku sugan in-badan oo kamid ah dad-waynihii gobolka iyo xoolahoodii. Dooxada waxaa fadhiya Boqorkii iyo xaashaadiisii. Waxaa kale oo ciidan fadhiyay qalcadaha ku hareereysan dooxada. Waxaa ciidankaas kamid ahaa ilaalo meereysta ee uu Xirsi Boqor ode u ahaa. Sidaa darteed dooxadu waxay bar-tilmaameed u ahayd ciidamadii Talyaaniga ee ka imanayay badda iyo birriga.

Xoogga uu markaan Talyaanigu damacsanaa in uu Dharoor ku qabsado waxay ahaayeen ciidamo ka yimaada afarta jaho. Ciidamadan oo intooda badan ahaa ciidamadii uu ku magacaabey Baando. Iyagu waxay ahaayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu baadiyaha ka soo ururshey. Intooda badan waxay ku shaqeynayeen in la ammaano oo ciidanka hortiisa inta la soo istaajiyo, dabadeed sarkaalka Talyaaniga ah uu ku yiraahdo Pravo. Baandada dhexdeda ammaan ayay ka ahayd tiro inta-jeer oo Pravo lagu yiraahdo wiilka askariga ah. Wuxuu ugu faani jiray askarta uu ka Pravo badan yahay. Sidaa darteed qoraalladii uu Talyaanigu ka reebey taariikhdan, wuxuu ku tilmaamey in askartaasi ay ahaayeen cawaan aan wax kala ogeyn.

Ciidamada uu weerarka Dharoor u keeney, qeyb waxay ka imanayeen Eyl oo waxay soo marayeen Beyla, iyaga oo dooxada koonfur ka soo gelaya. Ciidan waxay ka imanayeen Kallis oo waxay soo marayeen Qardho, iyagu dhanka galbeed kaga imanaya dooxada. Ciidan waxay ka imanayeen Bender-Qaasim iyo Qandala oo waxay soo marayeen Karin, waxay dooxada kaga imanayeen dhanka waqooyi. Ciidan waxay ka imanayeen Xaafuun oo waxay soo marayeen Dhuudo iyo Isku-shuban, waxay dooxada kaga imanayeen dhanka bari.

Ciidamada u haray xoogga dagaalyahaniinta, xilligaas waxay ahaayeen saddex urur oo midkood uu fadhiyay Uur-Caleed. Kaasi wuxuu ahaa ururka ugu badan uguna tayada wayn. Tirada ciidamadaas waxay dhamaayeen 500 oo nin. Meesha la yiraahdo Ciira-dhame oo dooxada Dharoor kamid ah waxaa iyana fadhiyey ciidan gaaraya 400 oo nin, kuwaas oo 200 oo kamid ah ay fardooley ahaayeen. Meeladeen waxaa iyana fadhiyay ciidan gaaraya 300 oo ilaalinayay Uur Kar-kaar. Waxaa intaas u dheeraa ciidankii uu Xirsi Boqor la wareegaaleysanayay oo aanan la garaneyn meel ay ku sugan yihiin. Geeridii iyo dhaawacii badnaa ee dagaalyahaniinta ka soo gaarey dagaalladii badnaa oo ay la galeen gumeystaha, waxaa isla-dhimey tiradii ciidanka. Sidaas oo kale ayaa waxaa isu-dhimey tayadii iyo hankie dhallinyarada dagaalamayay.

Labadii ciidan waxay isku heleen waddooyinkii dooxada soo aadayay. Dagaallo dhuumaaleysi ah ayaa lagaga hortegey ciidamadii uu Talyaanigu hoggaaminayay. Dagaalyahanniintii waxaa ku batay dhaawacii, waxaa ku yaraadey rasaastii, waxaa u muuqatey in markaan ayan u harin tabar xooggan oo ay ku sii dagaalamaan. Sidaa darteed ayaa Boqor Cismaan wuxuu dad-waynihii farey in ay si wareento ah uga qaxaan dooxada. Isla-markaas Boqorku wuxuu direy ergooyin uu kula hadlayo qabaa’ilka Soomaaliyeed ee la deriska ah. Gaar ahaa gobollada ay ku dhaqan yihiin beelaha Hartiga ah ee Nugaal iyo Sanaag. Ergo uu hor-kacayo nin la yiraahdo Nuur-Dhigey, Boqorku wuxuu u direy Sanaag. Waxaa xusid mudan, beelaha Nuur Dhegey loo direy in ay ahaayeen reer abtiyaashiis. Sidaas oo kale ayaa ergo kale loo direy Nugaal. Waxaa hor-kacayay nin la yiraahdo Nuur-Galow. Farriinta ay labada ergo qaadeen waxay ahayd, codsi uu boqorka u gudbinayay odey-dhaqameedyada qabaa’ilka gobolladaas ku dhaqan, si ay u bad-baadiyaan dadka soo qaxaya iyo xoogaaga u haray ee xoolaha. Qabaa’ilkii ay ergadu ku socotey si wanaagsan ayay u qaabileen ergadii iyo codsigii ay boqorka ka sideen. Waxay soo celiyeen jawaab ah ballan-qaad, wixii degaankooda nabad ku soo gaara oo dad iyo xoolo ah, in ay bad-baadinayaan. (aIsla-marjicii hore. s. 294).

L./ Col. Roggero wuxuu ahaa sarkaalka abaanduulaha ka ahaa ciidamada gumeystaha ee dooxada ku socdey. Isagu wuxuu ahaa ninka loo xil-saarey weerarkii lagu soo af-jaray dhaqdhaqaaqii iska-caabinta ahaa. Isla-sarkaalkan ayaa loo xil-saarey in uu soo qabto Boqor Cismaan. Toddobaadkii ugu horeeyey ee bishii jenaweri 1927-kii mar qura ayaa ciidamadaasi ay ku soo dhaqaaqeen dooxada Dharoor. Iyagu waxay markaan kaga yimaadeen dooxada afarteedii jaho. Bishaasi iyo bishii xigtey waxay ahaayeen marka ay isku hilboobeen labadii ciidan ee gobolka ku hardamayay. Waxaa weerarkaas dhinac socdey duqeymihii degmooyinka xeebaha ahaa. Meelaha ay maraakiibtu duqeynayeen waxay ahaayeen degmooyinka aanan weli gacanta Talyaaniga gelin iyo buuraha xeebaha ku yaal oo gabbaadka u ahaa dagaalyahaniint. Sidaa darteed dagaalku wuxuu ka socdey bad iyo beri. Dagaalyahaniintii Soomaaliyeed, muddo laba bilood ah ayay ku mitideen in ay dib u dhigaan xooggii Talyaaniga, si uusan u qabsan dooxada. Laakiin waxay ahayd xilli ay tabar-yareeyeen.

“ Muddadii uu dagaalku socdey, waxaa awood loo sheegtey maamulkii boqortooyada. Waxaa halkaas isugu yimid ciidamo aad u tira-badan, laakiin waa la loodin-kari waayay shantii sano oo degaanku uu dagaalku ka socdey. Ugu danbeyntii, dagaalyahannadii waxaa himmad-jab ku ridey rasaastii oo ka dhamaatey. Waayo waxaan wax u soo degin muddadii dagaalku socdey iyo sannado ka sii horeysey “. (aIsla-marjicii hore. s. 294).

Ugu danbeyntii ciidamadii saldanadda waa laga awood batay oo waa la jebiyay. Ciidamadii Talyaaniga waxaa u suuragashay in qul-qulkoodii uu u soo dhaadhaco dooxadii. Qeyb xoog leh oo kamid ahaa dadkii reer miyiga ahaa iyo xoolahoodii, horey ayay u sii qaxeen oo waxay u hayaameen gobollada deriska ah. Qeyb kale, gumeystihii Talyaaniga ayay gacanta u galeen, iyaga iyo xoolahoodiiba. Degaanka Iyax oo keliya xoolaha uu Talyaanigu ka soo ururshey wuxuu ku sheegey in ay dhamaayeen 500.000 oo ari ah iyo 1.000 halaad oo geel ah.

27/ 2- 1927-kii, iyada oo xoogaggii Talyaaniga ayan weli soo gelin dooxada, ayaa Boqor Cismaan uu ka qaxay degaanka. Isaga oo ay la socdaan ciidan gaaraya 200 oo nin oo fardo wata wuxuu ka gudbey soohdintii ay kala xariiqdeen Ingiriiska iyo Talyaaniga. Waxay markaas magan-galeen maamulkii Ingiriiska ee ka talinayay waqooyiga Soomaaliya. Waxaa halkaas ku hungoobey L./ Col. Roggero, oo uu damac xoog leh kaga jiray in uu isagu qabto Boqorka. Inkasta oo Boqor Cismaan uu ka baxay Dharoor, misana dagaalkii ma joogsan oo waa uu sii jiitamay. Talyaanigu wuxuu si buuxa u cagadhigtey gobolka dabayaaqadii sanadaka 1927-kii.

Talyaanigii wuxuu maqley in Boqor Cismaan uu u gudbey soohdintii maamulka Ingiriiska. Wuxuu markiiba u direy dhambaal maamulkii Ingiriiska. Wuxuu ka codsadey in loo soo gacan-geliyo boqorka. Wuxuu kaloo dalbaday in soohdinta Talyaaniga lagu soo celiyo ciidankii boqorka sii raacay iyo dad-wayniha tirada badnaa ee ka soo qaxay gobolka Majeertiinya. Dad-waynihii iyo cuqaashii beelaha ku dhaqnaa degaanka uu Ingiriisku gumeysto ayaa maamulkii Ingiriiska waxay uga digeen in Boqorka loo celiyo Talyaaniga. Inkasta oo dad-waynihii iyo ciidankii ay dib u laabteen markii ay culeys kala kulmeen maamulkii Ingiriiska, misana Boqor Cismaan muddo lix bilood ah ayuu ku sugnaa degaanka Ingiriisku heystey. Qabaa’ilka reer Isaaq, gaar ahaan beesha Habar-Yoonis oo Boqorku uu xidid la ahaa ayaa si xooggan ugu doodey Boqorka. Isla-markaas ilaalada uu Ingiriisku u qeybshey Boqorka waxay ahaayeen beeshaas uu xididka la ahaa.

Muddadii uu Boqor Cismaan hoos joogey maamulka Ingiriiska, inteedii badneyd wuxuu ku sugnaa degmada Burco. Goor-danbe Ingiriiskii ayaa u wareejiyay Ber-bera. Inkasta oo uu u diiddanaa in uu magan-gelyo siiyo, misana si wanaagsan ayuu u maamuusey. Ugu-danbeyn Talyaanigii ayaa culeys soo saarey Ingiriiska, oo isagu u arkayay haddii uu Boqor Cismaan gacan ku dhigo, in ay taasi ka qeyb-qaadaneyso xasilidda maamulkiisa ee degaanka Majeertiinya. Boqor Cismaan dhankiisa wuxuu ka ogaadey in Ingiriisku uu dhiibayo, markaas ayaa ilaaladiisii gacan ku siiyeen in uu baxsado.

Jabuuti markaas waxaa ka dhisnaa maamulkii Faransiiska, Harar waxaa ka dhisnaa maamulkii Xabashida, Cadan waxaa ka dhisnaa maamulkii Ingiriiska. Saddexda maamul waxay heshiis la yihiin maamulka Talyaaniga in uu la wareego gobolka uu Boqor Cismaan ka talinayay. Sidaa darteed Boqor Cismaan wuxuu guddoonsadey in uu Talyaaniga isu-dhiibo isaga oo xor ah ee Ingiriisku uusan dhiibin.

27/ 9- 1927-kii ayuu Boqor Cismaan ku soo laabtey gobolkii uu odeyga ka ahaa. Meel u dhexeysa Ceeri-gaabo iyo Qardho ayuu ka soo galey. Markiiba ciidamadii baandada ahaa ee Talyaaniga u adeegayay ayaa qabtey oo Boosaaso u gudbiyay. Waxaa degmada fadhiyey xaakimkii Talyaaniga ahaa De Vecchi. Kulan wayn ayaa halkaas lagu qabtey intaanan boqorka la musaafurin. Dad-waynihii degaanka ayaa isu soo baxay. Ragga fagaarihii ka hadley waxaa kamid ahaa nin la yiraahdo Maxamuud Ismaaciil (Dhega-cadde). Isagu wuxuu la hadley nin la yiraahdo Nuur Subeyr oo isagu ahaa carab la socdey xaakimka Talyaaniyaga ah oo u turjumayay. Wuxuu ku yiri: “ War wakhti na sii aanu ku hadalno “. De Vecchi ayaa markaas yiri: “ Muxuu leeyahay ? ”. Markii loo sheegey ayuu u oggolaadey in uu hadlo. (Wareysi aanu la yeelanay Cismaan X. Nuur. 17/3- 2010. Boosaaso – Soomaaliya ).

Maxamuud Ismaaciil (Dhega-cadde), hadalkiisii waxaa kamid ahaa:

“ … Talyaaniga ina-qabsadey mid ayaan leeyahay, dad-waynaha goobtan isugu yimid, iyagana mid ayaan leeyahay. Talyaaniga waxaan leeyahay waxaad na siisaan toddoba cisho oo Boqorka aanu ku wada dardaaranno. Dad-waynahana waxaan leeyahay, haddii leynaga adkaadey, Boqor Cismaan 64 sano ayuu odey inoo ahaa oo ina xukumayay. Sida muuqatana waa uu naga tegayaa. Haddaba dhegeysta warkiisa iyo dardaarankiisa “. (Waxaan ka soo xiganey Cismaan X. Nuur Yuusuf. 17/ 3- 2010. Boosaaso – Soomaaliya).

De Vecchi waa uu aqbaley codsigii Maxamuud Ismaaciil. Toddoba cisho ayuu u fasaxay Boqor Cismaan iyo cuqaashii degaanka in ay Boosaaso ku kulmaan. Toddobadaas cisho ayaa magaalada waxaa yimid dad fara-badan. Waxaa degmada laga dhisey meel Boqorka kala hadlo dadka. Maalintii ugu danbeysey toddobadii cisho ee la ballamay ayaa kulan la qabatey. Cismaan Xaaji Nuur oo aabihiis uu ahaa gacan-yarihii boqorka, hooyadiisna ay ahayd Caasha Boqor ayaa ka waramey hadalkii uu galabtaas Boqor Cismaan ka jeediyay Boosaaso. Boqorku isaga oo la hadlaya dad-wayihii magaalada isugu yimid waxaa hadalkiisii kamid ahaa:

“ Wax wayn ayaa degaankayagii ka dhacay. Mid keliya ayaan idin farayaa oo waa is-cafiya. Midna waan idinka codsanayaa oo waa aniga i cafiya. ………………… Waa leynagu soo duuley oo dad naga xoog wayn ayaa na qabsadey. Dadkaasi nala diin maahan, oo nala dhaqan maahan, oo nala xigto maahan. Dhibka ay la yimaadeen waxna aragney, waxna inoo-dhiman oo inta uu gaarsiisan yahay ma garanayno. Laakiin waxaan idin leeyahay is-heysta oo diintiina haka tegina, is-heysta oo diintiina haka tegina, is-heysta oo diintiina haka tegina “.(Waxaan ka soo xiganey Cismaan X. Nuur Yuusuf. 17/ 3- 2010. Boosaaso – Soomaaliya).

Casharkii 14aad

October 30, 2011

Khudbaddii uu Boqor Cismaan ka jeediyay Boosaaso, waxay soo af-jartey dagaalkii la magac-baxay Dagaalkii Shanta Sanadood ee Soomaaliya (Cinque Anni di Guerra in Somalai). Cesare Maria De Vecchi, oo ahaa xaakimkii Talyaaniga, islamarkaana hoggaaminayay dagaalka, buug uu ka qorey ayuu ku soo ururshey sheekooyinka ka harey dhacdooyinkii dagaalka. Wuxuu qoraalkiisii ku soo gabagabeeyey war-bixin uu kaga waramayo khasaarihii dhacay muddadaas shanta sano ah. Buugaas oo uu ku magacaabay Orizonti D’ Impero oo macnaheedu yahay Sara-kicii Imbraadooriyadda, wuxuu ku xusey in ciidamadiisii ay kaga dhinteen 18.120 nin, kuwaas oo badankoodu ay ahaayeen Soomaali iyo Ereteri. Wuxuu kaloo ku xusey in dagaalladaas ay Talyaanigu kaga baxeen saraakiil iyo saraakiil-xigeeno qiimi badan. Dhanka Soomaalida wuxuu tilmaamay in ay kaga dhinteen dad uu ku qiyaasey 38.600 oo qof. Maxaabiis ahaan waxay u qabsadeen 8.240 nin, oo ay kamid yihiin Boqor Cismaan iyo Suldaan Cali Yuusuf. Dhamaantood Xamar ayaa loo qaadey.

Cesare Maria De Vecchi, wuxuu qoraalka buugga ku soo gaba-gabeeyey tira-koob uu ka sameeyey hubkii uu ka ururshey dhamaan gobollada Soomaaliyeed ee uu xoogga ku qabsadey. Wuxuu ku sheegey sidan:

Magaalada Xamar, wuxuu Soomaalidii kala wareegey 9 qori

Degaanka waqooyiga webi Shabeelle, wuxuu kala wareegey 1.350 qori

Degaanka Jubbada Sare, wuxuu kala wareegey 520 qori

Degaanka Jubbada Hoose, wuxuu kala wareegey 1.158 qori

Degaanka Shabeellada Hoose, wuxuu kala wareegey 125 qori

Degaanka Saldanaddii Hobyo, wuxuu kala wareegey 4.200 oo qoryo kala duwan ah, 1 kanooni ah iyo 70 moortaayo ah.

Degaanka Nugaal, wuxuu kala wareegey 475 qori

Degaanka Majeertiinya, wuxuu kala wareegey 12.540 oo qori. Wuxuu intaas raaciyay in gobolkan uu weli hub badan ku maqan yahay.

Boqor Cismaan Markii uu la kulmey dadkii ku dhaqnaa Boosaaso iyo agagaarkeeda, waxaa loo qaadey degmada xeebta ah ee Hurdiya. Madaxdii Talyaaniga oo uu ugu sareeyo xaakimkii Cesare Maria De Vecchi, ayaa waxay iyaguna yimaadeen Hurdiya. Waxaa halkaas loogu yeerey isimadii ugu magac-waynaa degaanka. Ujeeddadu waxay ahayd in Boqor Cismaan uu halkaas ku dhiibo saxiix ah in Talyaanigu la wareegey taladii boqortooyada Majeertiinya.

Gobolka Bari waxaa looga yeeray saddex isim. Iyagu waxay ahaayeen Xaaji Ibraahim oo adeerna u ahaa, xil-hayena u ahaa Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan oo xilligaas wiil yar ahaa. Beel-daaje Xaaji Axmad oo aan caruur ka tegin, waxaase dhaxley Beel-daaje Faarax Maxamuud oo uu adeer u yahay, iyo Beel-daaje Maxamad Ismaaciil. Gobolka Mudug waxaa looga yeerey Islaan Faarax Islaan Aadan. Gobolka Nugaal waxaa isna looga yeerey Nuur Islaan oo xil-haye u ahaa Islaan Maxamad Islaan Muuse oo wiil yar ahaa, kaas oo aabihiis ay Daraawiishtu dishey.

Kulan ballaaran ayaa Hurdiya ka dhacay. Waxaa degmada lagu soo ururshey xoogaggii ka dagaalamay degaanka iyo maraakiibtii dagaalka oo iyaguna badda soo fariistey. Madal leysugu yimid ayaa Boqor Cismaan uu xaakimkii Talyaaniga ahaa ku wareejiyay seeftiisii astaanta u ahayd dowladdii uu 60 sano iyo dheeraadka odeyga ka ahaa. Waxaa halkaas ku soo gaba-gaboobey mashruucii xoogagga gumeysiga ay ku doonayeen in ay ummadda Soomaaliyeed gumeeyaan. Degaanku wuxuu ahaa meeshii ugu danbeysey oo ay Soomaali ku dhaqneyd oo maamulkii gumeysiga uu si buuxa ula wareegey.

Bilowgii bishii oktoober 1928-kii, Boqor Cismaan isaga oo maxbuus ah ayaa Xamar loo qaadey. Waxaa la dejiyay aqalkii ugu mudnaa ee Xamar ka dhisnaa. Wuxuu ku yiiley xaafadda Shangaani oo waxaa lahaa nin maal-qabeen ah. Ninkaas oo la oran jiray Xaaji Nuur Caafi Maxamed, wuxuu ku magac-dheeraa Xaaji Jowhar. Isagu wuxuu ahaa ninka ugu hodansanaa carabtii xilligaas ku dhaqneyd magaalada Xamar. Isla-markaas waxay is-qaateen oo xiriir adag sameysteen maamulkii Talyaaniga. Xaajigu si wanaagsan ayuu u maamuusey boqorkii. Carabtii Xamar ku nooleyd, iyaga oo tilmaamaya in boqorkii uu marti u yahay Xaaji Nuur Caafi, ayaa waxay ku cayaari jireen heeso ay tixaheedu kamid ahayd:

Xamar-wayne iyo Shangaani, Xaaji Nuur aa xukuma
Xarar-dheere iyo Ceel-buur, Xaaji Nuur aa xukuma
Intii Xaafuun ka xageysa, Xaaji Nuur aa xukuma

Halkaas ayuu Boqor Cismaan ku ahaa maxbuus, illaa uu ka dhintey sanadkii 1931-kii, isaga oo 83 jir ah. Sidaas si lamid ah ayaa Suldaan Cali Yuusuf, wuxuu isagana ku noolaa aqal isla-xaafadda Shangaani ah oo uu lahaa nin carab-soomaali ah oo la yiraahdo Abokor Afrax. Isaguna maxbuus ayuu ku ahaa illaa uu ka dhintey sanadkii 1934-kii. (Waxaan ka soo xiganey wareysi aanu la yeelanay Cabdullaahi Axmad Kheyr. 12/ 7- 2010. Minnaipolis – USA).

Dabayaaqadii sanadkii 1927-kii, degaanka Qorraxey oo ka tirsan gobolka Ogaadeenya, waxaa isugu tegey ciidamo iyo saraakiil ka tirsanaa maamulladii gumeysigu bur-buriyay. Iyagu waxay ahaayeen saddex ciidan oo ka haray xoogaggii gadoodka. Waxay isugu jireen kuwo ka yimid Majeertiinya oo uu hoggaaminayay Xirsi Boqor. Ciidankii Fallaago ee Ceel-Buur ka baxay, waxaa iyaguna hoggaaminayay Cumar Samantar. Iyo ciidan kamid ahaa xooggii Daraawiishta ee kala firdhaday, kuwaas oo uu hoggaaminayay Abshir Dhoore Xasan. Isku-dhafka ciidnakoodu waxaa lagu sheegaa in ay ahaayeen 250 nin oo hubeysan. Waxaa kaloo ay wateen labadii qori ee bam-bamka ahaa ee Fallaago ay ka furteen xeradii Ceel-Buur.

Raggaas oo ka tirsanaa maamullo saddex ah oo ay colaadi ka dhexeysey ayaa markii ay isu yimaadeen waxaa ku adkaatey sidii ay kalsooni isu siin lahaayeen. Muddo ayay kala fadhiyeen oo koox walba ay ceel gooni ah ka cabayeen. Waxaa u kala dab-qaadayay rag ergo ah oo ay is-dhaafsanayeen. Ugu danbeyntii waxay ku heshiiyeen in ay hal jabhad isku noqdaan oo inta degaankii ku laabtaan ay la dagaalamaan Talyaaniga. Xirsi Boqor ayay odey ka dhigteen, kadib markii ay kitaab quraan ah isku dhaarsadeen.

Si haddaba dagaalka loo galo, Talo ayay u fariisteen. Waxaa jiray maato badan oo la socotey, kuwaas oo ahaa xaasas, caruur iyo rag dhaawac ah. Waxaa kaloo jiray xoolo geel iyo ari ah oo ay wateen. Islamarkaas waxay u baahdeen meel ay fadhi ka dhigtaan oo ay weerarkooda ka qaadaan. Inkasta oo maamulkii Xabashida uusan weli awood u yeelan in uu si buuxda gacanta ugu dhigo degaanka, misana qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee degaanka ku dhaqnaa, gaar ahaan reer Isaaq (Ogaadeen) waa ay is af-garan-waayeen. Naga guura ayay ku yiraahdeen, kadib markii ay ka baqeen in ay saldanad ka dul-dhistaan.

Odeyaashii qaar ayaa ku taliyay, xoolihii iyo maatadii in ay fogeystaan oo dhulka gudaha ah ee Ogaadeenya ay gaarsiiyaan. Gaar ahaan degaanka howdka ah ee ku dhow degmada Iimey. Waxaa loo baahdey rag badan oo gar-wadeen u noqda xoolaha iyo maatida. Degaanka ay u hayaamayaan iyo waddada ay u sii marayaan, labaduba dhiillo xooggan ayaa tiil. Waxaa jiray suldaan la yiraahdo Duulane Rafle oo isaga iyo beeshiisuba ay Daraawiishta kamid ahaayeen. Markii ay Daraawiishtu jabtey oo la ceyroobey, ayaa iyaga oo hubkoodii wata waxay u galeen degaanka beelaha Cowlyahan. Suldaan Duulane Rafle wuxuu ka codsadey suldaankii Cowlyahan (Suldaan Dhaqane) in dhallinyarada beeshiisa ah ay geela Cowlyahan wax ka raacaan. Suldaankii Cowlyahan waa uu oggolaadey. Markii ay muddo dhowr sano ah la joogeen ayay habeen qura ka soo guureen, iyaga oo geel badan kala soo baxsadey. Dhacdadaasi waxay sabab u ahayd colaadda xilligaas tiil koonfurta Ogaadeenya.

Kooxdii Qoraxey fadhidey waxay talo ku deysteen in ciidan xooggan lagu daro maatida iyo xoolaha. Tiro kala-bar ku dhow oo ciidankoodii ahaa waxay raaceen maatidii iyo xoolihii. Qorshahoodu wuxuu ahaa, kooxda dagaalka aadeysa haddii la soo jebiyo, in ay u soo baxsadaan meesha maatida la dejiyo. Talyaanigu wuxuu ogaadey in degaanka Qoraxay ay isugu tageen maqaawiirtii ka carartey. Islamarkaana ay doonayaan in ay weerar soo abaabulaan. Arinkii waa uu dhibsadey. Degaanka xilligaas wuxuu kamid yahay xuduudda ay ka taliso boqortooyada Xabashid, oo sharciyad uma heysto uu ku galo.

“ Waxaa dhibaato ku noqotey habkii uu ugu duuli lahaa colkaas isku urursadey meel soohdintiisii ka baxsan, isaga oo aanan wax u dhimin xiriirka u dhexeeya dalkiisa iyo Xabashida. Si aan loo eedeyn wuxuu degaanka Ulsan ka direy ciidan 400 oo Baando ah. Waxaa hoggaaminayay nin la oran jiray Warsame Bootaan “. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 96, Muqdishow – Soomaaliya)

Ciidankaas la direy waxaa waajibkoodu ahaa in ay dhaawac u geystaan kooxda Qoraxey isku urursadey si ayan u abaabulin colaad Talyaaniga ka dhan ah, iyo labadii qori ee bam-bamka ahaa in ay ka soo celiyaan. Ciidankii duuley, muddo afar maalmood ah ayay ku gaareen Qorraxey. Waxay ahayd xilli ay weli kala fadhiyeen ciidankii Qoraxay isugu tegey. Weerarkii hore wuxuu qabsadey ciidankii uu odeyga u ahaa Abshir Dhoore. Kadib markii ay dagaal kedis ah ku soo qaadeen, waa ay ku guuleysteen oo cagta ayay mariyeen. Waxaa halkaas lagu diley rag badan oo kooxdii Abshir Dhoore la socotey ah. Isaga qudhiisa halkii ayaa lagu diley, isaga oo subaxii la aqal-galay gabar loo aroosiyey. Waxaa jirta ooraah ay Soomaalidu kaga sheekeyso gabadhaas arooska ahayd oo waxay tahay, Naag subaxdiina gabar ahayd, barqadiina guur ahayd, galabtiina garoob ahayd. Waxaan shaki ku jirin colaadda badan oo Soomaalidu ay hiddaha u lahayd, in ay jireen gabdho badan oo ceynkaas ahaa. Laakiin xaaska Abshir ayaa noqotey midda nasiibka u yeelatay in laga sheekeeyo.

Ciidankii uu hoggaaminayay Warsame Bootaan, waxay u gudbeen ciidankii labaad oo ahaa Fallaago. Iyaguna dhaawac xun ayay gaarsiiyeen. Waxay ku guuleysteen in ay soo furtaan labadii qori ee Bam-bamka ahaa. Dabadeed markii ay qoryihii heleen, si deg-deg ah ayay dib ugu laabteen. Ciidankii Qoraxay, inkasta oo dhaawac la gaarsiiyay, xoog bandanna uu ka maqnaa, misana intii hartey ayaa si deg-deg ah isu urursatay. Dabadeed waxay soo raad-raaceen colkii soo weeraray.

“ Waxaa looga daba-tegey degaanka Shiilaabo. Aafo aad u culus ayaa loo geystey oo si dirqi ah ayay ugu laabteen xadkii soohdinta. Tallaabadaas uu gumeysigii Talyaaniga ahaa qaadey, waxay muran dheer ka dhex-dhalisey labada gumeysi, taas oo aan kolna laga heshiin “. (Taariikhda Soomaaliya, Maxamad Ibraahim Maxamad, 2000, s. 96, Muqdishow – Soomaaliya)

Dhacdadaas waxay soo af-jartey, facii xilligaas jiray in ay damac iyo han ka yeeshaan in lala dagaalamo xoogaggii gumeysiga. Madaxdii kooxdii Qoraxey, saddex ayay u qeybsameen. Qaarkood Soomaaliya ayay ku soo laabteen oo baadiyaha ayay u kaceen. Qaarkood maatadii ayay ka daba-tageen oo dhulka aan la gaari karin ee gobolka Ogaadeenya ah ayay u kaceen. Qaarkood Boqorkii Xabashida ayay u galeen oo Addis-ababa ayay u baxeen. Qoladan danbe waxaa kamid ahaa Xirsi Boqor iyo Cumar Samantar oo labaduba ay ku aasan yihiin Addis-Ababa.

Talyaanigu markii uu shiiqiyey gebi ahaan wixii dhaqdhaqaaq ahaa ee dhulka ku heystey, wuxuu guddoonsadey in uu muujiyo soohdinta uu doonayo in uu ka sheegto dhulka Soomaalida. Sidaa darteed wuxuu xarumo ilaalo ah ka sameystey degmooyinka ay xuduudda u aqoonsadeen isaga iyo maamulkii Xabashida. Degmooyinkaas uu xarumaha ka dhistey waxay ahaayeen: Doolow, Cudeyle, Kohrabow, Yeed Aato, Buq-barde, Ceel-garuun, Kirkare iyo Beled-wayne. Sanadkii 1930-kii, wuxuu ku darey degmooyin ku yaal gobollada Hiiraan, Mudug iyo Howd. Waxay ahaayeen Feer-feer, Ulsan, Laba-baar, Shiilaabo, Gar-loogube, Wal-waal, War-dheer iyo Gallaadi.

Degmooyinkan danbe, Talyaanigu wuxuu ku sheegtey in ay kamid ahaayeen taliskii Suldaan Cali Yuusuf, sidaa darteedna uu isagu la wareegey. Xabashida ayaa dhankooda sheeganayay in Talyaanigu uu ku xad-gudbey heshiis ay isla-dhigteen sanadkii 16/5- 1908-dii, kaas oo ay labada maamul ku calaamadeysteen soohdin ay ku qeybsadeen dhulka Soomaaliyeed.

Talyaanigii waa uu ku guuleystey in uu si buuxa gacanta ugu dhigo gobolladii Soomaaliyeed ee damaca uu ka lahaa. Wuxuu markaan is-tusiyay in uu damaashaad iyo dabbaal-deg u dhigo guushaas wayn ee u soo hoyatay Imbraadooriyadda dalkiisa. Dabbaal-deggaas oo Xamar ka dhacay ninka loo doortey in uu magaca boqortooyada Talyaaniga kaga qeyb-galo wuxuu ahaa wiilka magaciisa la yiraahdo Prince Luigi Amedeo, waxaa kaloo lagu naaneysi jiray Mudanihii Gobolka Abruzzi (Duce degli Abruzzi). Wuxuu ka soo jeedaa qoyska reer Savoy ee ah firka boqortooyada Talyaaniga dhaxlayay tan iyo qarnigii X-aad. Waxaa awoowe u ah boqorkii Talyaaniga ee la oran jiray King Vittoria Emanuele II.

Markey taariikhdu ahayd 28/ 2- 1928-kii, Prince Luigi Amedeo, wuxuu ka soo degey dekadda Xamar, isaga oo la socdey markab uu ka soo raacay magaalo-madaxda Talyaaniga. Waxaa dekadda ku soo dhoweeyey xaakimkii De Vecchi iyo masuuliintii kale ee Talyaaniga ahayd. Wuxuu halkaas ku qaatey salaantii ciidanka Talyaaniga. Magaalada Xamar waxaa isu soo baxay dhamaan dadkii ku noolaa oo wax ka soo dhoweeyey wiilka reer Boqor. Waxaa kaloo waddada uu marayay labadeeda dhinac xoonsanaa wixii ciidan ahaa oo Talyaaniga askarta u ahaa, si ay uga qeyb-qaataan soo dhoweynta.

Ayaamo markuu Xamar Joogey, wuxuu bilaabey, kulan uu isku barayo in uu la qaato duqeydii Soomaaliyeed. Ragga uu la kulmey waxaa kamid ahaa Boqor Cismaan, Suldaan Cali Yuusuf. Dabadeed wuxuu bilaabey, in uu dalka ka furo mashaariic ilo dhaqaale ah iyo dhismayaal. Waxaa kamid ahaa dhismaha aargadii dhabarka kaga tiil masaajidka Arbaca-Rukun ee bartamaha Xamar ku tiil. Waxaa kaloo uu furey mashruucii sokorta ee Jowhar, halkaas oo degmadii Jowhar ay kula baxdey magaca Villa di Abruzzi. Mashruucu wuxuu ahaa mid ballaaran oo beero waawayn leh. Waxaa dhinac socdey wershad lagu sameeyo khamriga. Mashruucii beeraha cudbiga iyo mashruucii beeraha sisinta ayaa iyagana kamid ahaa mashaariicda xoogga leh ee Prince Luigi Amedeo, uu ka furey Soomaaliya. Dabadeed wuxuu u baxay dhanka koonfur, isaga oo gaarey degmada Kismaayo. Wuxuu furey dhismo astaan looga dhigey halka uu dhul-baruhu maro. Gobolka Gedo ayuu gaarey, isaga oo dul-joogsadey xuduudda degmada Doolow.

Markey taariikhdu ahayd 12/ 3- 1928-kii, Prince Luigi Amedeo, wuxuu markab ka raacay Xamar, isaga oo markan u jeeda dhulkii uu dhowrka sano ka socdey dagaalka iska-caabinta ah. Ujeeddadu waxay ahayd in uu ubax dhigo goobihii ciidamada lagaga laayay. Meelaha uu tegey waxaa kamid ahayd taallo degmada Butiyaallo looga dhisey Col. Splendorelli, taallo Xaafuun looga dhisey askar lagu laayay, taallo looga dhisey Baargaal koox ciidanka badda ah oo halkaas lagu laayay, taallo degmada Tooxin looga dhisey askartii lagu laayay, taallo Raas-caseyr looga dhisey kooxdii munaaradda ilaalineysey ee la laayay. Prince Luigi Amedeo, wuxuu kaloo ubax dhigey degmooyinka Eyl, Hurdiya iyo qalcadda Daawad. Wuxuu booqdey degmooyink Boosaaso, Karin iyo Qow. Sidaas ayuu Prince Luigi Amedeo, ku soo gaba-gabeeyey booqashadiisii uu ku yimid Soomaaliyada kamidka noqotey Imbraadooriyadda ay caa’iladdiisu u talisey. (Hirarkii Taariikhda iyo Halgankii Soomaalida. Qaybta Koowaad. Khaalid Cali-Guul Warsame. 2010. s. 301-303. Copenhagen – Denmark).

Cali Maxamadow gabey murtidi waan ka maaliyaye
Waan idin masuugaye beryaad iiga muhateene
Mareer-diidka waxa iigu wacan manta saan ahaye
Maantiyo kol hore waa adduun labadi meeloode
Hadba waxaa mur soo oran arliga xaal la moog yahaye
Madoobaadayay xalay miyaan micida soo-feestey
Middoor caara oo kale miyaan meel kasta u boodey
Mudkey go’aye midigtaan ka jabay meel xun iyo seede
Milicda aan fadhiyo iyo waxaan muhasha reemaayo
Miskiin iyo sidaan ahay magaan xiirey madixiiye
Mashaqooyinkaan soo baxay murugtey laabtiiye
Gobanimo mid weeyee hadduu meero xariggeedu
Misbaaxiyo haddey kaa damaan muunaddiyo nuurka
Gacmo maran mugdaa kuu xigiyo meel xilliyo hooge
Dowladnimo nimaan maalahayn laga mid roonaaye
Mulki iyo awood iyo waqii malaha maamuuse
Mucsir weeye maalmaha adduun magan ha loo-yaabo

Qore: Dr. Saadiq Enow

Casharkii 15aad

Nofembar 13, 2011

Prince Luigi Amedeo, 11 cisho ka hor intuusan Xamar ka dhoofin wuxuu furey dhismihii waynaa ee  kaniisaddii Xamar. Waxay ahayd xilligaas kaniisadda ugu wayn ee qaaradda Afrika ka dhisneyd. Qaab-dhismaheedka kaniisaddan waxaa loo ekeysiiyay dhismo kaniisad ku taal magaalada la yiraahdo  Cefalù oo 75 km u jirta Palermu oo ah magaalo-madaxda jasiiradda Sicilian, taas oo la dhisey markey taariikhdu ahayd 1131 c.d. Labada burji oo ay lahayd kaniisadda Xamar, midkiiba  dhererkiisu wuxuu ahaa 37.50 m. Waxaa la bilaabey dhismaheeda bartamihii sanadkii 1925-kii. Waxaa si buuxda loo dhameeyey bishii febraweri 1928-kii. Shaqaalaha lagu dhisey waxay ahaayeen askartii maxaabiista ahayd ee laga keeney gobolladii Soomaaliyeed ee Talyaaniga lagula dirirey. Markay taariikhdu ahayd 1/ 3-1928-kii ayaa si rasmi ah kaniisadda.

Talada lagu dhisey kaniisadda waxaa lahaa boqorkii Talyaaniga ee xilligaas joogey Victor Emmanuel III, kaas oo xilka boqornimada hayay muddadii u dhexeysey (1900-1946). Isagu wuxuu la hoobtey xukunkii fashiistada ahaa ee dagaal-waynihii II-aad ee adduunka looga adkaadey dowladdiisii. Waxaa kale oo mashruucii dhismaha kaniisadda sii xoojiyay baadariga la yiraahdo Antonio Vadone, kaas oo ahaa nin qallafsan islamarkaana kamid ahaa taageerayaashii Benito Mussolini. Markii xilka laga wareejiyay xaakimkii ahaa De Vecchi, Antonio Vadone waxaa lagu soo magacaabay qunsulka baadariyada u fadhiya Xamar.

Kaniisaddan ayaa  waxay ahayd kaniisad kaatoolig ah oo Talyaani leeyahay, taas dibadda dalka Talyaaniga ku taal midda ugu wayn. Isla iyada ayaa waxay tahay kaniisad kaatoolig ah oo ka dhisan waddan islaam ah midda ugu wayn. Masaajidka ku dhow ee la yiraahdo Arbaca-rukun, waxaa dhisay baadarigaas aanu soo xusney, ujeeddadu waxay ahayd in lagu shiiqiyo carada dadku ka qaadayaan arintan. Dhismaha kaniisadda wuxuu kamid ahaa qorshayaashii uu Talyaanigu ku dhaqan rogayay muuqaalka uu degaanku lahaa. Inkasta oo uu sheeganayay in dhismahaasi uu ka qeyb-qaadanayo bilicda magaalada, misana waxay xambaarsaneyd howlo dhowr ah. Waxaa kamid ahaa in ay ahayd astaan gumeysi, in ay xarun u noqoto mashruuc lagu faafinayo diinta masiixiyadda. Islamarkaas dhismaha qarada wayn ayaa wuxuu ahaa dhufeys ay maatada ku badbaadsadaan, haddii uu mustaqbalka ku yimaado kacdoon ka awood wayn.

Waxaa xusid mudan, mashaariicdaas ay kaniisaddu kamid tahay, in lagu dhisey maxaabiistii tirada badnaa ee Talyaaniga uu ka soo qafaashay gobolladii lagula dagaalamay (Banaadir, Shabeellada Dhexe, Mudug iyo Majeertiinya). Kumanyaal kamid ah raggaas maxaabiista ah, waxay u dhinteen gaajo iyo cudur. Qaarkood waxay ka soo daateen jaran-jarooyin aanan hagaagsaneyn oo ay fuulayeen marka ay ka shaqeynayaan dhismayaasha dabaqa ah. Inbadan oo meydadkooda ah, badda ayaa lagu xoori jiray oo kalluunka ayaa cuni jiray. Odey Soomaaliyeed oo aan kula kulannay magaalada Stockholm (Sweden), wuxuu ka sheekeeyey in aabihiis uu kamid ahaa raggii maxaabiista ahaa ee Kaniisadda wax ka dhisey. Odeygaas oo la oran jiray Xirsi Faarax ayaa wuxuu ka waramay in aabihiis iyo laba nin oo kale ay ka baxsadeen xabsigii. Xirsi oo arintaas ka waramaya wuxuu yiri:

Aabahay wuxuu kamid ahaa colkii Cumar Samantar. Markii ciidankii fallaago la jebiyay ayaa isaga iyo rag uu ku jiro  waxaa laga soo qabtay aagga degmada Ceel-Buur. Xamar ayaa la keeney, dabadeed iyaga oo maxaabiis ah ayaa lagu shaqeyn jiray. Meelaha lagu dhisey waxaa kamid  ahaa kaniisadda. Xabsigii iyo shaqadii badneyd waxay kala kulmeen gaajo, qabow iyo cudur. Sida uu ii sheegey aabahay, maalin walba dad ayaa ka dhiman jiray oo badda ayaa lagu xoori jiray “.(Wareysi aanu la yeelanay Xirsi Faarax 4/ 5- 2001-dii. Stockholm – Sweden).

Xirsi wuxuu ka sheekeeyey aabihiis iyo laba nin oo maxaabiista kamid ah in ay ku tashadeen in ay xabisga ka baxsadaan. Iyaga waxaa u muuqatay, xabsiga in ayan nolol oollin oo mar-kasta ay dhimanayaan haddii ay sii joogaan xabsiga, dabadeedna meydkooda badda lagu daadinayo. Waxaa kaloo jiray colaad xilligaas hanaqaad noqotey oo Talyaanigu uu shidey, taas oo beelaha Soomaaliyeed uu isaga hor-keeney. Sidaa darteed, saddexdii nin ee maxaabiista ahaa markay tashanayeen waxay is-tusiyeen, haddiiba ay ka badbaadaan xabbadaha askarta Talyaaniga, sidee ayay uga badbaadayaan colaadda taal gobollada ay sii dhex-marayaan. Nin kamid ah saddexdoodii sheeko-wadaagta ahayd ayaa wuxuu yri:

War dhulku nabad maahan. Haddaanu baxsano, gobolladii ay dadkayagu ku dhaqnaayeen inooma dhowa. Xaggee ayaanu kaga bad-baadeynaa beelahan aanu sii dhex-mareyno oo colaadda ay innaga dhexeyso “.(Wareysi aanu la yeelanay Xirsi Faarax 4/ 5- 2001-dii. Stockholm – Sweden).

Xirsi aabihiis ayaa markaas wuxuu ugu jawaabay:

Nimanyohow caawo aan taliyee, talada iga yeela. Beelahan ay colaadda naga dhexeyso waa dad Islaam ah oo Soomaali ah. Haddey inoo suuragasho in aan Talyaanigan ka baxsanno, beelaha Soomaalida ah laba arimood ayaanu mid kala kulmeynaa. In ay ina daayaan oo ina jiscimaan waa suuragal. In ay ina dilaan oo sidii Islaamka wax u aasi jiray ay inoo aasaanna waa suuragal. Mid saddexaad kala kulmi meyno. Labada arimoodba waa ay inoo dhaantaa in Talyaanigu inta ina silciyo, dabadeed meydkayaga uu badda ku rido “.(Wareysi aanu la yeelanay Xirsi Faarax 4/ 5- 2001-dii. Stockholm – Sweden).

Saddexdii nin waxay guddoonsadeen in ay baxsadaan. Markii ay muddo ishaa-falateysi ku  jireen, waxaa u suuragashay in ay baxsadaan. Gobollada Banaadir iyo Hiiraan lug ayay uga gudbeen iyaga oo aanan cidna u martin. Goortii ay gaareen degaanka Gal-gaduud ayay gaajo la socon waayeen. Waxay ku leexdeen reer degaanka ku dhaqan. Odeygii reerka ayay markiiba is-garteen. Isagiina markuu arkey rafaadka ka muuqda, waa uu soo dhoweeyeyoo halkii ayuu ku marti-soorey. Habeen ayay la seexdaan. Subaxdii ay ka tegayeen intuu caana siiyay ayuu wuxuu u keeney waran, toorey iyo budh, markaas ayuu ku yiri:

Allaha idin-salaama yeelee, bahallada isaga celiya hubkan “.(Wareysi aanu la yeelanay Xirsi Faarax 4/ 5- 2001-dii. Stockholm – Sweden).Cismaan Yuusuf Keenadiid oo qudhiisa kamid ahaa raggii uu Talyaanigu xilligaas xirey, ayaa gabeyo dhowr ah ka tiriyay xabsiga iyo xaaladihiisii. Gabey kamid ah suugaantaas oo uu marna xaaladda adag oo heysata kaga waramayo, marna uu ku Alla baryaayo wuxuu ku yiri:

Qaddartaada Eebow adaan qolona dhaafeyne
Qowlkii ad kaa soo fulaa qoonsimaad malehe
Wax qalloocdey amarkaa ninkii qaabil ku aheyne
Qawaaniin haddii uu lahaa la qas adduunkiiye
Qun-yar baa nimaan biito dhimin loogu ridey qoole
Wax ku qumman garan waayey kii qeydaddaar ahiye
Naga qariye dunidii intey nagu qodbeen daare
Albaabada qafilan goor walbaba qowladaha riixan
Qalab  la xafidaayaan sidii qiima nahay meele
Halkaan ruuxdu qaayibi kareyn oo qalbigu diidi
Qurun lama dhoweystee wixii lagu qushoobaayo
Qudha  kalama yaabniyo naftii qaaliga ahayde
Qaneecaad haddii aan lahayn ma qummanaaneene
Qaabkan aanu joogniyo wixii qahar na soo gaarey
Quwaddaada goortaan deyaan kaga qabownaaye
Qallihii ad keentiyo waxaad qeybisaan noqoney
Qareenkiisu waa adi ninkii qulubsan maantaase
Qiil noo fur kheyrkaagu waa lagama quustaane
(Cismaan Yuusuf Keenadiid)

Sidaas uu Cismaan Yuusuf gabeyga ku sheegey (Qalab  la  xafidaayaan  sidii  qiima  nahay  meele), ayaa degaankii Soomaaliyeed iyo dadkiisii waxay noqdeen qalab rag leeyahay. Beelihii Soomaaliyeed meel ay joogeenba waxaa u bilaabatay taariikh madow. Waxay noqdeen kuwo aanan wax talo ah ku lahayn noloshoodii iyo aayahooda. Waxaa loo ekaadey neef ay dhurwaayo diloodeen oo midba uu dhinac afka kala haleeley. Maamulladii gumeysiga ee dhulka qeybsadey, mid waliba wuxuu dhankiisa ka bilaabey in uu guda-galo sidii uu uga faa’iideysan lahaa kheyraadka dhulka ceegaaga, isaga oo la kaashanaya hadba inta garaadkiisu yahay. Si ay arintaas uga mira-dhaliyaan, mid waliba wuxuu bilaabay in uu ciidamo ka qorto dhallinyaradii geel-jirta ahaa ee u dhashay beelaha ay gunnimada ku hayeen.

Xilligaas siyaasadda caalamku waxay ahayd mid heehaabeysa. Waxaa laga soo baxay dagaalkii I-aad ee adduunka. Dagaalkii II-aad weli ma uusan dhicin, laakiin imbraadooriyadihii dunida ku hayay boobka iyo gumeynta, waa ay isu qalab-tumanayeen. Jarmalka iyo Talyaaniga waxaa taladii u qabtey xisbiyo fashiisti ah oo cunsuriyad iyo talo-urursan ku dhisan. Labada nin ee hor-boodayay waxay ahaayeen Adolf  Hitler iyo Benito Mussolini. Waddanka Jabaan oo la talo ahaa ayaa isna waxaa u talinayay boqor aan talada lala wadaagin, kaas oo sidii ilaah ay u caabudi jireen. Waxaa la oran jiray Emperor Hirohito. Dowladahaas ayaa waxay u durbaan tumanayeen in ay qeyb libaax ka helaan degaanada caalamkii la gumeyanayay. Waxaa ka soo hor-jeedey Ingiriiska iyo Faransiiska oo iyagu gumeysanayay waddamada adduunka intooda badan. Islamarkaana ku faanayay in ay dimoqraadiyad yihiin. Sidaa darteed ayaa labadaas awoodood waxay ahaayeen kuwo ku loolama is-fitaaxinta maamulladooda ku dhisnaa aragtida imbriyaaliyadda.

Xoogaggii nasiibka u heley in ay Soomaalida gumeeyaan, markii ay ku guuleysteen in gebi ahaan ay gacanta ku dhigeen Soomaaliya, waxay guda galeen in ay adkeeyaan heshiisyadii ay horey u galeen ee la xiriirey diillimaha xudduudaha. Ujeeddadu waxay ahayd in mid waliba ay ugu madax-bannaanaato maamulka iyo ka faa’iideysiga  degaanka gacanteeda gala. Talyaaniga dhankiisa wuxuu Ingiriisku kala heshiiyay xuduudda labadooda maamul ku dhex-mareysa koonfurta Soomaaliya. Waa xuduudda manta jidha ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Keenya. Dhan-kale, sida aanu soo xusney, Talyaanigu wuxuu sameeyey dhismayaal ilaalo ah, kuwaas oo uu ku taxay dhulka uu xuduudda u aqoonsadey ee u dhexeeya maamulkiisa iyo maamulka boqortooyada Xabashida.

Waxaa jiray oo kale heshiis hore oo Itoobiya iyo Ingiriiska ay isla-gaareen sanadkii 1894-kii, kaas oo ku saabsnaa xuduudda waqooyi ee u dhexeysa dhulka ay labada dowladood kala maamulayaan (Ogaadeenya iyo waqooyiga Soomaaliya). Xilligaas hore wax calaamad ah uma ayan sameyn xuduudda. Heshiiska waxaa kamid ahaa in xoolo-raacatada Soomaaliyeed aanan lagu qeydin gobolka ay ku nool yihiin, bal loo saamaxo xilliyada roobabka in xoolahooda ay ula hayaamaan hadba meesha baadka iyo biyaha ay ka helayaan. Isu-socodkii badnaa oo reer miyiga Soomaaliyeed ay ugu kala guurayeen dhulka ay maamulaan labada dowladood, wuxuu caqabad ku keeney habasami u-socodkii labada maamul oo ay doonayeen in ay ka shaqeeyaan labada gobol. Waxaa ku adkaatey in ay kala ogaadaan xaggee ayay ku
eg-yihiin qabiilada xeerarkooda hoos imanaya iyo qabiilada ka madax-bannaan oo maamulka kale laga xukumo.

Boqortooyadii Itoobiya ayaa mar-walba degaanka Soomaalida waxay u soo dirayeen ciidamo cashuurta ka ururiya qoysaska reer miyiga ah. Arintaasi mar walba waxay sababeysey isku-dhac iyo dagaal ay isaga hor-yimaadaan iyaga iyo Soomaalida. Si haddaba labada maamul (Ingiriiska iyo Itoobiyaanka) ay howsha u qeybsadaan, waxay dhigteen heshiis cusub oo ay ku xoojinayaan kii ay  dhigteen sanadkii 1894-kii, kaas oo la xiriirey xuduudda. Labada dowladood waxay isla-dhiseen guddi isla-xariiqa xuduudda dhulka ay kala yeelanayaan. Guddigaas ayaa waxay ku magacaabeen Anglo-Ethiopian Commission Demarcated the Border. Muddadii u dhexeysey sanadihii 1932-kii iyo 1934-kii ayay howl-gal ka wadeen degaanka oo ay ku calaamadeynayeen halka ay maamulladooda ku kala eg-yihiin. (Lieut. Col. E.H.M. Clifford. The British Somaliland-Ethiopian Boundry. The Geographical Journal. London. Vol. 87. 1936. p. 157).

Bulshadii Soomaaliyeed ee xoolo-raacatada ahayd, si xooggan ayay uga hor-yimaadeen arinkii. Iyagu waxay bur-buriyeen dhismayaashii ugu horeeyey ee calaamadda looga dhigey dhulka uu xadku marayo. Dabadeed maamulkii Ingiriiska ayaa qabaa’ilkii wuxuu ku soo rogey ciqaab iyo ganaax ciddii falkaas ku kacda. Wuxuu u sheegey in beel ahaan uu ganaaxa ugu dhacayo oo ay bixinayaan xoolo badan, haddii ay ka hor-yimaadaan dhismayaasha calaamadaha u ah xuduudda. (Lieut. Col. E.H.M. Clifford. The British Somaliland-Ethiopian Boundry. The Geographical Journal. London. Vol. 87. 1936. p. 296).

Xilligaas qallafsan oo Soomaalidu ay gunnimada ku bilaabatey, ma-jirin aragti muuqata oo ay ku garawsadaan in ay isu geeyaan cududdooda si ay xaqooda u dhacsadaan. Sida ay u badnaayeen waxay ahaayeen bulsho xoolo-raacato ah. Waa ay ku yareyd garashada ka baxsan degaanka ku hareereysan duddadooda iyo dhulka xooluhu u daaqaan. Hannaanka hiddo-siyaasadeed oo ay garanayeen wuxuu ahaa mid ku dhisnaa qabiil iyo ood-wadaag. Shaki kuma jirin in hwolaha socdey ay dareen ku abuureen
Soomaalidii. Laakiin maqnaanshaha aragtida qowmiyadeed iyo kala baahsanaanta awoodda ummadeed ayaa waxay ahayd mid u hiilineysey xoogagga shisheeyaha ah. Qoraaga la yiraahdo Saadia Touvali, ee u dhashay dalka Mareekanka, mar uu ka faalloonayay xilligaas qallafsan ee la soo dersey bulshadii Soomaaliyeed, wuxuu xusey in ay jireen qodobo dareen geliyay Soomaalida.

Qodob wuxuu ku sheegey danaha is-diidey. Wuxuu xusey in ay iska hor-yimaadeen danaha xoogaggii gumeysiga iyo masaalixda beelihii  Soomaaliyeed ee absaxan-wadaagta iyo ood-wadaagta ahayd. Masaalixdaas iska hor-yimid middeedii ugu wayneed waxay ahayd seerayaasha lagu kala gooyay dhulkii ay ku dhaqnaayeen xoolo-raacatada Soomaalida. Taasi waxay caqabad ku keentey isu-socodkii reer miyiga iyo geeddigii ay calafka ugu raadinayeen xoolahooda.

“Waxaa dhab ah in Soomaalidu ay weli wadeen hayaankoodii xilliilaha ahaa, kaas oo ah mid ay ka dhaxleen awoowayaashood. Arintaasi waxay dhalisey dareen ay Soomaalidii ka qaadeen jiritaanka xudduudihii la sameeyey. Waxaa kaloo arin wal-wal keentey noqotey, geeddiga laga hayaamo gobol xeer siyaasadeed leh oo misana loo hayaamayo gobol kale oo leh xeer siyaasadeed oo kale. Qaar dowladihii (gumeysiga) ah ayaa waxay marar isku deyeen in ay fara-gelin ku sameeyaan hayaanka reer miyiga, iyaga oo marna isku deyaya in ay joojiyaan (geeddiga reer miyiga), marna isku deyaya in ay habeeyaan.” (Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 62. New York – USA).

Sheekooyinka laga dhaxlay arintan waxaa kamid ah, markii la sameeyey xuduudda u dhexeysa Jabuuti iyo Itoobiya, ayaa Faransiiskii wuxuu reebey in xoolo-raacatada Soomaaliyeed ayan u kala tallaabin xuduudda. Wiil geel-jire ah oo ka soo hayaamey baadiyaha Dirir-dhabe ayaa wuxuu u soo tallaabey xuduuddii Jabuuti. Wiilkii waxaa qabtey ciidan Faransiis ah, markaas ayaa maxkamad la saarey. Waxaa lagu xukumey saddex bilood oo xabsi ah. Markii loo turjumey xukunka ay maxkamaddu ku ridey, wuxuu ku jawaabay:

“_Huuno geel ayaa iga baxsanayee, mid kale oo saddexda bilood idiin xirnaada meelaha ka deydeyda!”

Wuxuu ahaa wiil xor ah oo xornimo ku dhashay, kaas oo aanan weligiis arag dhul laga sheeganayo ama lagu sheeganayo. Weligiis dhulkan xoolo ayaa u daaqi jiray, qof ka hor-joogsadana ma uusan arag. Sidaas ayuu ku yimid is-beddelka gunta ka xirmey eek u yimid cimiladii nololeed ee dadka Soomaalida ah  ee ku dhaqan geeska Afrika. Taasi waxay ahayd qodobka hoer ee Soomaalida dareenka ku abuurey, kaas oo ka unkamay maslaxadda is-diidan.

Qodobka kale oo Saadia Touvali uu xusey wuxuu ahaa, xoogaggan shisheeyaha ah ee dhulkoodii boobey in dhamaantood ay ahaayeen kuwo matalayay caalamka laga rumeysan yahay diinta masiixiyada. Soomaaliduna waxay ahaayeen (welina yihiin) bulsho 100 % muslim ah.

Dowladaha is-baheystey waxay matalayeen diinta krishtaanka oo waa gaalo. Islaamku wuxuu dhiiri gelinayaa rumeynta in uu ka sareeyo diimaha oo dhan. ……………………… . Islaamku ma qabo in la kala kaxeeyo diinta (religion) iyo hannaanka nolosha (secular), sida ay masiixiyaddu tahay.  Sidaa darteed aad ayay u adag tahay in dad muslim ah lagu bah-dilo xeer ay dhigteen dad aanan muslim ahayn “. (Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 62. New York – USA).

Sheekooyinka laga fahmayo sida xooggan oo Soomaalidu ay uga gadoodeen maamulladii gumeysiga waxaa laga garanayaa dhacdadan. Waxay ahayd dood dhex-martay sarkaal Talyaani ah iyo nin kamid ahaa ciidamadii boqor Cismaan oo maxbuus ahaan loo soo qabtay markii uu Talyaanigu ku guulaystay dagaalladii uu ku qabsaday gobollada waqooyi-bari. Ninkii maxbuuska ahaa ayaa waxaa la hor-keenay sarkaalkii Talyaaniga ahaa. Dabadeed sarkaalkii ayaa wuxuu yiri:

Rafaadka dadkaagii ka muuqda iyo halaagga degaankiinii qabsaday, sow idiin kagama wanaagsanaateen in aad nala heshiisaan oo aad maamulkayaga oggolaataan.“

Ninkii maxbuuska ahaa ayaa markaas wuxuu ku jawaabay:

Waagaan yaraa ayeeyaday baa waxay iiga sheekaysay Wan iyo Sagaaro sheekaystay. Wankii baa yiri Sagaaroy waxa kaa muuqda oo weyd iyo rafaad ah waxaa kuugu wacan markii aad qof aragto ayaad carartaa, sidaa darteed duur cidla ah ayaad ku bakhtidaa. Anigase meeshii baad iyo biyo leh waa lay sahmiyaa, dabadeed anigoo lay ilaalinayo ayaa lay geeyaa. Haddaba waxaan kugula talinayaa in aad isoo raacdo si ay diifta kaaga harto. Sagaaradii ayaa u jawaabtay oo tiri: Intii meel kasta oo wanaagsan lay sahmin lahaa, iyada oo lay ilaalinayona lay geen-lahaa, dabadeedna anigoo qurxoon markii lay baahdo lay gowrici lahaa, waxaan door bidayaa in baahi iyo oon aan duurka la joogo “. http://www.mudugonline.com/Qoraalo/dhulkayagii21.htm).

Qore: Dr. Saadiq Enow

Casharkii 16aad

November 27, 2011

Soddonkii sano ee ugu horeeyey qarnigii tegey, dhaawac xooggan ayaa ummadda Soomaaliyeed ka soo gaaray dagaalladii iska-caabinta gumeysiga. Dagaalladaasi waxay bulshada ku reebeen naafo iyo saboolnimo ay madaxa la qaadi-waayaan. Dhallinyarada badan ee kaga dhintey kasokow, dhaawaca guryaha buuxiyay iyo aafada saboolnimo ay nolosha ku reebtey ayaa duddooyin badani ay la jilba-dhigateen. Arintaasi waxay sahashay in laga daneysto degaanka iyo dadkiisii. Bulsha-wayntii Soomaaliyeed waxay noqotey kuwo ay taladii ka anfiriirtey. Tookhii iyo isla-waynidii dhaqanka ahaa, waxaa u beddeley tun ka-rarasho iyo turuqya-xirid. Waxay madaxa la galeen mugdi iyo maalmo madow. Laakiin Soomaalidu marna kuma ayan qataneyn in ay ka gablanto dircyo u kaca oo diirradeeya shucaaca xoriyadda. Meel kastaba ha kula kufaane, sidii hirka badaha oo kale ayaa bulshada dhexdeeda waxaa mar-walba ka soo butaacayay halyeeyo hoggaanka u jiida aragtida qowmiyadeed ee gumeysi-diidka ah.

Xaaji Faarax Oomaar Ileeye (1879 – 1948) ayuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee nolosha gumeysiga si guud uga gilgishey. Sanadihii 1920-aadkii, wuxuu keli ahaan ku luley calan cinwaankiisu yahay dareenka qowmiyadeed. Isagu wuxuu markaas u joogsadey in uu maxfallada dowladaha waawayn ka dacwiyo falaad xumida maamulladii gumeysiga ay kula kacayeen dad-waynaha Soomaaliyeed ee sidii maatida, ay u taliyaan.

Faarax Oomaar wuxuu kamid ahaa Soomaalidii tirada yareyd ee fursadda u heshey in ay wax-bartaan. Yaraantiisii wuxuu wax ku bartey dugsi ay dhsitey kaniisaddii Berbera. Dabadeed maamulkii Ingiriiska ayuu xafiis-haye u noqdey. Muddadii uu la shaqeynayay Ingiriiska wuxuu arkey wax badan oo qofkii damiirku u nool yahay uu dhibsado. Gaar ahaan markii loo soo beddeley in uu ka shaqeeyo gobollada bariga ee maxmiyadda, halkaas oo markaas uu ka dhisnaa maamul ciidameed (Milleteri Adminstration). Maamulkaasi wuxuu mid dadka lagu ciqaabo. Waa uu ka qallafsanaa maamulkii madaniga ahaa oo maxmiyadda uga dhisnaa gobollada kale. Taariikhyahan Mareekan ah oo la yiraahdo S. Touvali, mar uu xusey Faarax wuxuu tilmaamay sidan:

“ Mid kamid ah siyaasiyiinta casriga ee ka soo if-baxay maxmiyadda wuxuu ahaa howl-wadeen rayid ah oo lagu magacaabo Xaaji Faarax Oomaar. Kaas oo sanadihii 20-aadkii noqdey nin fir-fircoon “.(Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 62. New York – USA).

Faarax Oomaar wuxuu ka biya-diidey falalkii guracnaa oo maamulka Ingiriisku uu ku kacayay. Dabadeed wuxuu arinkii ka sameeyey gadood fal-celis ah oo ay dhibsadeen saraakiishii Ingiriiska ahaa ee uu la shaqeynayay. Iyagu markaas kama ayan maarmin shakhsiyadda Faarax Oomaar. Waxay u arkeen kaadir diyaarsan, islamarkaana ah nin xikmad badan oo dadku ay u joogsanayaan. Sidaa darteed waxay isku deyeen in ay dhaqaale iyo darajo u kordhiyaan oo ay kaga beddeshaan in uu si daacad ah ula shaqeeyo maamulka. Sarkaalkii degaanka ka odeyga ahaa oo ay wada-hadleen ayuu wuxuu ku yiri ooraahdiisii hana-qaadey ee ahayd:

“ Waxa i qanciya maahan dhaqaale iyo darajo ley-kordhiyo. Bal waxaa i qanciya wixii adiga ku qanciya oo ah inaan xor ahaado “.(Wareysi aanu la yeelanay Danjire Cabdullaahi Xasan Maxamuud. 10/ 12- 2007. Qaahira – Masar).

Kadib markii hadalkaas laga maqley, Oomaar shaqadii uu hayay waa laga fariisiyay. Isagiina wuxuu u wareegey degmada Ber-bera. Wuxuu markaas bilaabay in uu ururiyo sheekooyinka la xiriira falaad xumida gumeysiga iyo dhacdooyinka xanuunka badan oo Soomaalidu ay kala kulmaan. Si uu caalamka u gaarsiiyo arimahaas, Faarax Oomaar wuxuu raadiyay lambar tellegaram ah oo uu kula xiriiro wasaaradihii dowladda Ingiriiska. Gaar ahaan wasaaraddii dibadda iyo wasaaraddii mustacmaraadka. Markuu heley buu qoraal u direy uu af-soomaali ku qorey. Danjire Cabdullaahi Xasan oo aan arintan ka wariney wuxuu sheegey, qoraalkii ugu horeeyey oo uu Faarax Oomaar direy in uu ka koobnaa saddex erey oo ah:

“ Hayaay, hayaay, hayaa “. (Wareysi aanu la yeelanay Danjire Cabdullaahi Xasan Maxamuud. 10/ 12- 2007. Qaahira – Masar).

Tellegaramkii markii uu gaarey labadii wasaaradood, waxay garan waayeen wax ay ku fasiraan. Maadaama fariintu ay ka timid Ber-bera, waxay raadiyeen qof Soomaali ah oo u turjuma qoraalkii tellegaramka. Waxaa jiray nin dhallinyar oo Soomaali ah, kaas oo xilligaas ku dhaqnaa magaalada London, isla-markaana ay u dhaxdey haweeney Ingiriis ah. Ninkaasi wuxuu ahaa Caabi Faarax. Isaga ayaa looga yeerey wasaaraddii arimaha dibadda. Waxaa la weydiiyey waxa uu ku fasirayo ereyada ah (hayaay, hayaay, hayaah) ee ku qoran tellegaramka uga yimid Bere-bera. Wuxuu ku fasirey sidaan:

“ Idinka oo koox geel-jire ah oo uu gabbalku idiin kugu dhacay meel keyn ah. Goor ay saqdii dhexe tahay oo aad hurudaan, cirkuna uu madow yahay. Roob mihiigaan ahna uu dushiina ku da’yo. Libaax baahan oo idiin soo dhacay, dabadeed nin idin kamid ah bowdyadiisii la-heley mciyaha. Markaasna la boodey. Ninka xaaladdaas ku sugan kama gaaro in uu yiraahdo: War iga dhigaay, ee wuxuu yiraahdaa Hayaay, hayaay, hayaay “. (Wareysi aanu la yeelanay Danjire Cabdullaahi Xasan Maxamuud. 10/ 12- 2007. Qaahira – Masar).

Qoraalkii Xaaji Faarax Oomaar wuxuu khasbey in dowladdii Ingiriiska ay ka fariisato oo maxmiyaddii waqooyi loo soo diro wafdi. Xilligaas gobollada Soomaaliyeed ee Ingiriisku gumeysanayay waxaa xaakim ka ahaa Sir. Harold Baxter. Wafdigii waa ay yimaadeen, laakiin maamul gumeysi ayaa degaanka ka jiray oo wax wayn isma-beddelin. Bal arin keliya ayay soo kordhisey oo ahayd, markey laabteen in Faarax Oomaar loo dhoofiyo dalka dibaddiisa. Magaalada Cadan ayuu Faarax markaas degey.

“ Kacdoonkii siyaasadeed ee uu la yimid (Faarax Oomaar), soo dhoweyn kama uusan helin dhanka maamulkii (Ingiriiska). Sidaa darteed Waxaa loo dhoofiyay Cadan “. (Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 65. New York – USA).

Faarax Oomaar markii uu tegey magaalada Cadan, ma uusan joojin dhaqdhaqaaqiisii gumeysi diidka ahaa. Isagu wuxuu ka qeyb-qaatay hal-abuur dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay ku bahoobeen rag Soomaali ah oo Cadan ku dhaqnaa. Raggaasi waxay isugu jireen ganacsato iyo shaqaalihii Ingiriiska. Iyagu waxay xoogga saareen in ay marka hore ka shaqeeyaan dhanka hor u-marka gobollada ay ka yimaadeen oo ahaa kuwa uu Ingiriisku gumeysanayay. Ururkaasi waxaa la oran jiray Is-bahaysiga Islaamka ee Soomaaliyeed (Somali Islamic Association). Xaaji Faarax, inkasta oo uu xubin ka ahaa dhaqdhaqaaqan, misana wuxuu ka door bidey in uu wado howlihii u gaarka ahaa oo looga soo eryey Ber-bera. Xog-raadin xaaladda Soomaaliya iyo dacweyn maamullada gumeysiga kala duwan ee ka dhisan gobollada Soomaaliyeed ayuu wakhtigiisii ku bixiyay. Ujeeddadiisuna waxay ahayd in uu guud ahaan u adeego qadiyadda qowmiyadeed. S. Tuvali oo ka waramaya dhaqdhaqaaqii Faarax Oomaar iyo howlihiisii wuxuu qorey sidaan:

“ Howlahaasi xooggooda waxay ku wajahnaayeen ururinta ogaallo la xiriira arimaha Soomaaliya. Iyo arimaha guracan, kuwaas oo inta la qoro lagu baahiyo wargeysyada Ingiriiska iyo (in la gaarsiiyo) xubnaha barlamaanka (Ingiriiska). Si xooggan ayay u muuqatey in isagu uusan ku koobin dhaqdhaqaaqiisa, arimaha khuseeya gobollada Soomaalida-Ingiriiska. Laakiin wuxuu qaatay xiiso (dareen) ballaaran (oo gaarsiisan) arimaha Soomaalida ee ka baxsan maxmiyadda “. (Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 65. New York – USA).

Faarax Oomaar, muddadii uu musaafuriska ahaa wuxuu gaarey dalka Hindiya. Xilligaas waxaa halkaas ka socdey dhaqdhaqaaqii gobanimo-doonka ahaa ee Hindiya (1916 – 1945). Mahat Magandhi oo ahaa odeygii dhaqdhaqaaqaas ayaa wuxuu ahaa ninka lahaa aragtida aanan rabshadaha lahayn ee lagu doonto xaq kaa maqan (Nonviolence Struggle). Faarax Oomaar, isaga oo aqoon iyo khibrad u soo kordheen ayuu sanadkii 1939-kii ku soo laabtey Cadan. Xilligaas waxaa bilowdey dagaal-waynihii II-aad ee dunida. Faarax Oomaar wuxuu markaan bilaabay in uu dad-waynaha ku dhex-dhaco si uu u baraarujiyo. Wuxuu uga warami jiray dhaqdhaqaaqa gobanimo-doonka ah ee Hindiya. Laakiin wacyiga siyaasadeed ee bulshadu aad ayuu u hooseeyey. Taasina waxay dabar ku noqotey in aragtidiisii ay hanaqaad noqoto.

Muddadaas uu ku howlanaa in uu kobciyo wacyiga dadka, kama uusan harin qoraalladii uu ka gudbin jiray xaaladda bulshada Soomaaliyeed. Taasi waxay gaarsiisey in barlamaanka Ingiriiska lagaga dodo, in Faarax Oomaar loo aqoonsado nin u dooda qadiyadda bulsha-waynta Soomaaliyeed. Taasina waxay dhacdey markii ay qaar kamid ah barlamaanka Ingiriiska ay la caadifoodeen qoraallada Faarax Oomaar. Laakiin raagii arintaan watay waa laga adkaadey oo waa lagu diidey. Sababtuna waxay tahay, bulsho iyadiiba huruda, cidna hoos u jiidimeyso.

“ Dowladda Ingiriiska ayaa qudheeda waxay aragtay in Faarax Oomaar uu xaq u leeyahay (loona aqoonsado) in uu u hadlo dad-waynah Soomaaliyeed. Waxaa arintaas diidey masuuliintii go’aanka lahayd “. (Parliamentery Dibate. House of Commons. Fifth Series. Vol – 293. 17/ 11- 1934).

1934-kii ayaa maamulkii Ingiriiska uu oggolaadey in Faarax Oomaar uu ku soo laabto dalka. Inkasta oo sanadkaas uu ahaa sanadkii ay Xamar ka furteen naadiga is-bahaysigii dhallinrada Soomaaliyeed, misana isma-calfan in ay kulmaan iyaga iyo Faarax Oomaar. Inkasta oo xilligaas uu Faarax soo laabtey waayeel ayuu ahaa, misana kama uusan harin la hadalkii dad-waynaha. Taasina waxay sababtay in la xiro oo markale loo dhoofiyo Harar. Islamarkaas ilaalo xoog leh la saaro. Labano sano dabadeed (1945-kii) ayuu geeryoodey isaga oo dadkii la joogey, hadalkii ugu danbeeyey ay ka wariyeen uu ahaa:

“ Dhulkeygana wax la qeybiyo ka yar, dadkeyguna wax la rarto ka tabar yar “.(Wareysi aanu la yeelanay Danjire Cabdullaahi Xasan Maxamuud. 10/ 12- 2007. Qaahira – Masar).

Isagoo dulliga aad qabtaan dood ka celinaaya Da’dii uu ahaa Faarax baa jeelka loo diraye Loo diid dadkii uu dhaliyo duunyaduu dhaqaye (Xaaji Aadan Af-qallooc).

Waxaa kale oo waqooyiga Soomaaliya ka unkamay is-bahaysi siyaasadeed oo ay hal-abuureen rag ganacsato ahaa. Sanadkii 1935-kii, is-bahaysigaasi wuxuu ka furey naadiyo lagu kulmo degmooyinka Ber-bera, Hargeysa iyo Burco. Laakiin waxaa dhamman u diidey oo dabar ku noqdey in uu hanaqaado, waxay ahayd xubnihii naadiga oo aanan la iman aragti ballaaran sidii Faarax Oomaar oo kale. Sadia Touvali wuxuu ka waramay sababta uu dhaqdhaqaaqaasi la hanaqaadi waayay. Isagu wuxuu ku tilmaamay sidan:

“ Naadiyadii ma ayan isku deyin in is-bahaysogooda uu hanaqaado. Laakiin waa ay xadeeyeen oo waxay xubnihii (is-bahaysiga) ku koobeen qabiil “ .(Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 65. New York – USA).

Kadib markii is-bahaysigii hore uu bur-burey, ayaa sanadkii 1937-kii, gobolladii uu Ingiriisku gumeysanayay waxaa ka soo if-baxay is-bahaysi kale. Waxaa hal-abuurkiisa ka danbeeyey shaqaalihii u adeegayay maamulkii gumeysiga. Iyagu waxay markaas u duudayeen xuquuq kaga maqneyd maamulka ay u shaqeynayeen. Sidaa darteed ma noqon mid u hanaqaada heer ummadeed. Xuquuqdaas ayaa waxay ahayd:

“ Madaxdii Soomaaliyeed (ee is-bahaysigan) waxay dareemeen in ay ku dhibban yihiin in loo magacaabo shaqooyinka rayidka ah kuwooda ugu hooseeya. Isla-markaas jagooyinka dhexe iyo kuwa sare la siiyo Ingiriiska iyo dadka laga keeney Hindiya “. .(Saadia Touvali. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 65-66. New York – USA).

Dadka hal-abuurayay is-bahaysiyada waxay ahaayeen kuwo lagu tilmaami karo dabaqaddii u il-baxsaneyd bulshada. Inkasta oo ayan hanaqaadin is-bahaysigoodii, misana waxay muujinayeen howl bilow ah iyo baahi loo qabay baraarug gaarsiisan heer ummadeed. Xilliga ay gobollada waqooyi ka unkamayaan dhaq-dhaqaaqyada xambaarsan aragtida is-bahaysi, bulshada ku dhaqneyd koonfurta Soomaaliya waxay la il-darraayeen dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalladii iska-caabinta. Talyaaniga wuxuu markaas heley fursad uu ku ballaariyo maamulkiisii gumeynta. Mashaariicda dhaqaale ee uu halkaas ka waday wuxuu ku saleeyey qorshe dagaal ee uu la damacsanaa in uu Itoobiya ku qaado. Waxaa kamid ahaa waddooyin uu dhisey ee isku xira qaar kamid ah degmooyinka Soomaaliya. Waxay ahaayeen waddada Xamar iyo Luuq, waddada Xamar iyo Beled-wayne, waddada Kismaayo iyo Baar-dheere, waddada Luuq iyo Baar –dheere, waddada Qardho iyo Gaalkacayo, waddada Baled-wayne iyo Gaalkacayo. Waddooyinkaas ayaa ujeeddada uu ka lahaa waxaa ugu waynaa in ciidamadu ay si sahal ah ugu gooshaan.

Talyaanigu wuxuu kaloo qaadaey tsllaabo uu ku muujinayo in uu ka baxay heshiis xuduudda ah oo ay horey isula dhigteen boqortooyada Itoobiya. Xilligaas waxay ahayd markii la af-gembiyay Imbradoor Ilyaas, sidaasna taladii Itoobiya ay kula wareegtey gabadha la yiraahdo Nigiste Negest Zewdit. 2/8- 1928-kii ayuu heshiiskaasi dhacay iyada oo Itoobiya ayan lahayn wax awood ah oo ay ku gasho gor-gortan. Heshiiska waxay hal-heys uga dhigeen:

“ Itoobiyana ha hesho waddo ay xeebta ku gaadho, Talyaaniguna ha helo waddo uu gudaha ku gaaro “. (David Nicolle, The Italian Invasion of Abyssinia 1935-1936, (1997), p. 7. Roma – Italia).

Talyaaniga oo Ereteriya heystey ayaa markaas ku shaxaatamay in uu dhankaas jilicsan ka siiyo fursad ay kaga adeegtaan dekadeheeda. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay manta noqotey dhankii jilicsanaa. Heshiisku wuxuu qeexayay, xuduudda u dhexeysa Itoobiya iyo gobollada Soomaaliyeed ee Talyaanigu gumeysto in lagu dhereriyo xeebta gobolka Banaadir oo la mariyo meel u jirta 20 league (league = 46. km. iyo 80 m. – waa meel farasku uu saacad ku gaaro).

Talyaanigii ayaa markuu si buuxda u caga-dhigtey Gobolladii koonfureed, wuxuu jebiyay heshiiskii. Meelihii uu xarumaha ka dhigtey ee xuduudda ahayd, inbadan oo kamid ah waa uu dhaafiyay xadkii uu kula heshiiyay Itoobiya. Nasiib-darro waxaa ahayd, welina ah, ummadda dhulkeeda sidaas loogu tashanayay (welina loogu tashanayo) in ay ahayd, sida maantaba ay tahay ummad ay ka maqan tahay baraarug iyo wacyi ay ummadaha kula garramaan. Sida aanu soo xusney, meelaha dheeriga ah oo sanadkii 1930-kii uu maamulkii Talyaanigu ciidanka geystey waxay ahaayeen: Feer-feer, Ulsan, Laba-baar, Shiilaabo, Gar-loogube, Wal-waal, War-dheer iyo Gallaadi.

Boqortooyadii ka talisey Itoobiya, inkasta oo ay arinkaas ka gadooddey, misana awood ay kula garanto ma ayan heyn. Tallabada keliya oo falkii Talyaaniga ay kaga jawaabtey waxay ahayd in saldhigyadii Talyaaniga ay ka hor-dhisto xarumo ay fadhiyaan ciidamo Itoobiyaan ah oo Addis-ababa laga keeney. Mugdiyada ay bulshada Soomaaliyeed ku jirteyna waa tuu tixda ka tiriyay Allaha u naxariistee Xaaji Aadan Af-qallooc markuu lahaa:

Mugdi baynu soconaa habeen aanan nuur jirine
Sidii Banui-Israa’iil mutaan marar sallownaaye
Isku murugnay aakhirana waa madhax xunoo yaalle
Maxaan idinku maaweeliyaa miridhay laabtiiye. (Xaaji Aadan Af-qallooc)

Casharkii 17aad

December 9, 2011

Iyada oo xaaladda Soomaaliya ay ku sugan tahay sidaas aanu ka soo sheekeynay, ayaa dunida waxaa ka qarxay dagaallo culus oo si teel-teel ah uga curtey gobollo kala duwan ee dacallada adduunka ku yaal. Waxaa ku hardamayay dowladihii xilligaas ugu itaalka roonaa dunida. Colaadda waxaa u saldhig ahaa, sida caadada khilaaf walba uu yahay masaalix dhaqaale oo leysku af-garan waayay. Dagaalladaas oo kuwo badan ahaa ayaa wadar-ahaantooda waxaa leysku yiraahdaa Dagaalkii II-aad ee Dunida (Second World War). Wuxuu kamid ahaa saddexdii dagaal-wayne ee lagu ururshay qaraxyadii dunida ka dhacay qarnigii 20-aad gudihiisa, kuwaas oo ahaa (Dagaalkii I-aad, Dagaalkii II-aad iyo Dagaalkii Qaboobaa).

Dowladaha ku hardamay dagaalkii II-aad waxay u kala safnaayeen laba jabhadood. Ummadihii adduunka ku noolaa, in ka-badan kala bar ayaa waxay la kala safteen xoogaggaas hardamayay. Waxaa markaas shidmay colaado heer cari-edeg u hanaqaadey ee ka huray afar kamid ah qaaradihii dunida ee shanta ahaa. Waxaa xusid mudan, in Soomaaliya ay ka bilowdeen dananka xabbadihii huriyay dab-shidkii dagaalkii II-aad. Falkaas uu dagaalku ku bilowdey wuxuu ka dhacay degmada Wal-waal bishii disember 1934-kii. Dhacdadaas ayaa taariikhyahannadu waxay ku magacaabaan Wal wal- incident. Kadib markii colaaddii bilaabatay ay dunida saameeysey, waxaa joojiyay qaraxyadii atoomikada ee lala dhacay labada degmo ee Jabaanku leeyihiin Hiroshima (6/ 8- 1945) iyo Nagazaki (9/ 8- 1945). Markaas oo Imbradoorkii Jabaan Emperor Hirohito, uu dad-waynihiisii iyo ciidamadoodii u guddoomiyay in ay is-dhiibaan. Dagaalkii II-aad ee dunida wuxuu raad wayn ku yeeshay noloshii dadka ku dhaqan dunida. Gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed, oo khasaaraha ka soo gaaray ka sokow, wuxuu sabab u ahaa in Soomaalidu ay ku baraarugaan aragtida qowmiyadeed ee Soomaali-wayn. Taasina waxay ka danbeysey markii afartii xoog ee Soomaalida dhulkeedii ku habsadey ay mid walba dhankeeda ka urursatay xoog dhallinyaro Soomaaliyeed ah. Iyada oo markaas ciidan ka dhiganeysa ayay aagaggii dagaalladu ka socdeen ku gufeeyeen. Maahayn dhulka Soomaaliya oo keliya meelaha ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka dagaalameen. Bal waxay ka qeyb-qaateen aagag badan oo xoogaggii dirirayay ay ku hardameen, kuwaas oo kamid ah qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub. Dhallinyaradii Soomaaliyeed, wacdaro iyo geesinimo ay dhaqan u lahaayeen ayay ka muujiyeen fagaarayaalkii dagaalka, taas oo ay ku muteysteen billado qaali ah. Tusaale-dhig waxaa loo soo qaadan karaa tirada labada kun oo wiil ka badan oo Faransiisku uu ka qaaday Jabuuti, kuwaas oo ka qeyb-galay dagaalkii Jarmalka lagu jebiyay.

“ Tiro 2.000 ka badan oo Soomaali ah ayaa fal-dagaal ka muujiyay xuduuddii galbeed ee Yurub. Iyagu waxay ahaayeen kuwo si gaar ah isu tilmaamay (geesinimada ficilladooda). Qiyaastii 1.000 kamid ah waxay heleen billado gaar ah. 400 oo kamid ahna waa ay ku dhinteen “.(Saadia Touval. Somali Nationalism. 1963. Harvard University Press. p. 69-70. New York – USA).

Sidaas si lamid ayaa ayaa Talyaanigii, Ingiriiskii iyo boqortooyadii Itoobiya ay dhamaantood u boobeen dhallinyaradii Soomaaliyeed. Xoogga iyo geesinimada wiilka geel-jiraha ah wuxuu ahaa arin ay ku faanaan xoogaggii gumeysiga, taasna waxay tamar uga dhigteen sidii ay ku gaari lahaayeen danahooda guracan. Sidaas ay Soomaalida uga qorteen ciidamo ayaa ummado badan oo la gumeeyey ciidamo looga qortey. Dagaalkaas oo dadkii dunida ka dhigey laba laba jabhadood oo col ah. Isku-dhafka dowladihii ku legdamay dagaalkan waxay ka badnaayeen 70 dal. Fagaarayaalka ay ku hardameen ciidamadaasi waxay isugu jireen badda dusheeda iyo gudaheeda, hawada sare iyo dhulka cimiladiisa kala duwan (buuro oogadood, keymo dhexdood iyo dhul lama-degaan ah). Goobaha lagu dagaalamay waxay ahaayen qaaradda Yurub, labada bad-wayn ee Atlantik iyo Basifig, qaaradda Afrika, koonfur-bari qaaradda Aasiya, degaanka Shiinaha, Bariga Fog, Bariga Dhexe iyo badda dhexe (mediterranian). Dagaalkani waa dagaalka loogu sheeko badan yahay wixii dagaal taariikhda galey ee aadamiga soo marey. Labada jabhadood oo loo kala safnaa mid waxaa ku urursanaa dowladihii la magac baxay Xoogaggii Xulufada (Allied Powers). Waxaa ugu waynaa Ingiriiska iyo Faransiiska. Waxaa goor danbe raacay Mareekanka. Jabhaddan waxaa la dhinac ahaa dowladdii la oran jiray Midowga Soofyeeti, Poland, Australia, Beljam, Brazil, Canada, dowladdii la oran jiray Chechoslovakia, Itoobiya, Greek, Holand, New Zeeland, Philipin, Koonfur Afrika iyo Yugoslavia. Jabhaddan ka soo hor-jeedkeeda waxaa ahaa jabhad ku lid ahayd oo iyadu ay ku bahoobeen dowladihii la dirirsanaa kuwaas hore. Magaca leysku oran jiray wuxuu ahaa Xoogagga Xuddunta ( Axis Powers). Waxaa ugu xoog waynaa saddex dal ee kala ah Jarmal, Jabaan iyo Talyaani. Jabhaddan iyaguna waxaa la dhinac ahaa waddamada Hungry, Bulgaria, Rumenia, Ciraaq, Finland iyo Thailand.

Ummado badan oo markaas ay gumeysanayaan qaar kamid ahaa kuwa dagaalamayay ayaa qudhoodu ka qeyb-qaatay dagaalka. Wadar, ciidanka ka qeyb-qaatey dagaalkan, tiradoodu waxay kor u dhaafeen 100 melyan oo askari. Waxaa lagu dagaalamey hub aanan aadamigu horey u arag. Waxaa dagaalka ka qeyb-qaatey oo leysu adeegsadey wax kasta oo hanti ah oo ummaduhu ay heli kareen. Agabkii dagaalka lagu hurinayay waxaa kamid noqdey xarumihii dhaqaalaha iyo cilmi-baarista. Dadka la leynayay looma eegeyn ciidan iyo rayid, bal si dugaagnimo ah ayaa meelo badan loogu gumaadey. Jabhad walba waxay geysatey xasuuq aanan loo meel deyin. Taasi waxay dhalisey in ay dhuxuloobaan degmooyin iyo tuulooyin badan oo lagu dhaqnaa. Qaraxyadii degaanadaas lala dhacay ayaa dhulka ku masaxay wax kasta oo kor-yiil dhulka oogadiisa. Tira-koobyo kala duwan ayaa laga soo saarey dadkii ku dhintey dagaal-waynihii II-aad ee dunida. Qaar kamid ah waxay tiradaas gaarsiiyaan 100 melyan oo qof, kuwaas oo badankoodu ay ahaayeen dad rayid ah.

Haddaanu dib u milicsano sababta dhalisay dagaalkan, waxaa laysku raacsan yahay in dagaalku uu ahaa raad ka harey khilaafkii abuurey dagaalkii I-aad oo aan weli la soo af-jarin. Dalka Jarmalka oo looga guuleystey dagaalkii I-aad ayaa waxaa laga saxiixey heshiis la magac baxay (Varsailles Treaty). Heshiiska waxaa loogu magac darey aqal qasri ah oo dhexdiisa uu ka dhacay kaas oo kamid ahaa aqalladii waawaynaa ee boqortooyada Faransa ay lahayd. Dhismaha aqalkaas wuxuu ku yaal meel 25 km. galbeed ka xigta bartamaha magaalo-madaxda Paris. Heshiis Varsailles Treaty, wuxuu dhex-maray Jarmal oo dhinac ahaa iyo xulufadii uga adkaatey dagaalkii I-aad (Ingiriis, Faransiis iyo Soofyeet) oo dhinaca kale ahaa. Wada-hadalkii heshiiskaas oo socdey muddo lix bilood ah ayaa dooddeedu waxay bilaabatay 28/ 6- 1919-kii. Waa maalintii Jarmalka lagaga adkaadey dagaalkii I-aad oo dowladdoodii ay si buuxda isu dhiibtey. Wada-hadalkii heshiiska wuxuu soo af-jarmay 10/ 1- 1920-kii. Jarmalka ayaa markaas waxaa lagu khasbey in uu tanaasul xoog leh sameeyo. Wuxuu oggolaadey 13 % ciiddii dhulkiisa in uu bixiyo oo uu u aqoonsado xudduud dowlado kale leeyihiin. Wuxuu ogglaadey in lagala wareego gobolladii uu dunida ka gumeysan jiray dhamaantood. Islamarkaa uusan mar-danbe isku deyin in uu dal kale gumeysto ama ku duulo.

Waxaa intaa u weheliyay in laga hor-joogsadey in uu hor u-mar ka gaaro meelo dhowr ah oo ay ugu horeyso teknolojiyada ciidamada. Waxaa heshiiska ku soo aroorey in la xakameeyo qalabka ciidameed ee Jarmalka si ayan ugu suuragelin in markale uu sabab u noqdo dagaal ka dhaca dunida guudkeeda. Sidaa darteed waxaa la ansixiyay, ciidamada Jarmalka in tiradooda ayan kor u dhaafin 100.000 oo askari. Islamarkaa in la joojiyo nadaamka tababarka gurmadka ah oo ardeyda Jarmalka ay galaan marka ay ka baxaan dugsiyada sare, kaas oo dalka horey uga jiray. Dowladda Jarmalka waxaa laga reebey in ay yeelato ciidan cir. Ciidanka badda qudhoodu waa loo xaddidey oo tiradooda waxaa lagu soo koobey 15.000 oo nin, kuwaas oo ay weheliyaan raxan maraakiibta dagaalka ah, oo ayan ku jirin kuwa badda quusa. Waxaa kaloo heshiiska kamid ahaa, askariga Jarmalka ah in uusan xaq u laheyn in uu ciidamada u khidmeeyo muddo dhaafsiisan 12 sano. Saraakiisha qudhoodu waxaa loo xadeeyey 25 sano oo keliya, dabadeed shaqada waa laga eryayaa. Ujeeddadu waxay ahayd in Jarmalku uusan yeelan saraakiil leh khibrad dheeri ah. Qodobadaas hore waxaa Jarmalka kaga cuslaa qodobka tirsigiisu ahaa 232-aad ee heshiiska kamid ahaa. Wuxuu dhigayay in Jarmalka uu si buuxda u qaado masuuliyadda wixii khasaaro ahaa ee uu geystey dagaalkii I-aad. Sidaa darteed, waxaa heshiiska lagu qeexey, dowladda Jarmalka in ay bixiso mag-dhow lagu qiyaasey 269 bilyan oo ah lacagta Jarmalka ee dahabka ah (German Gold Mark). Hantidaas ganaaxa ah, waxaa qeybsanaya waddamadii ku wax-yeeloobey dagaalkii I-aad. Inkasta oo goor danbe 100 belyan la cafiyay, misana dhaqaalaha intaas le’eg, maahayn arin suuragal ah in Jarmalku uu xilligaas bixiyo. Arimahaasi waxay sabab u noqdeen ihaano xoog badan oo dhaawacdey ruuxda dadkii qowmiyiinta ahaa ee Jarmalka. Waxaa taas ugu darsoomey lacagihii mag-dhowga ahaa ee cusleeyey garbaha shaqaalihii dan-yarta ahayd ee ku howlaneyd wax soo-saarka dalkooda.

Waxaa kaloo jiray dhibaato dhaqaale oo sanadihii 1930-aadkii gil-gishey guud ahaan nolosha dadkii ku dhaqnaa waddamada reer galbeedka. Taasi waxay ka dhalatey kala tagga xagga dhaqaalaha ee dowladihii dagaalka ku adkaadey iyo kuwii laga adkaadey. Dowladihii adkaadey (Ingiriis, Faransiis iyo Mareekan) keligood ayaa waxay yeesheen keydka dahabka ee dunida. Islamarkaa waxaa u dheeraa dakhli badan oo ka soo gelayay gobolladii dunida oo ay gumeysan jireen. Marka dowladihii adkaadey uu xaalkooda sidaas ahaa, kuwii laga adkaadey dhaqaale xumi ayay noloshoodii la socon weydey. Tusaale-dhig waxaa ah in qofka Jarmalka ah, si uu seyladda wax uga soo iibsado, gaari-gacan ayuu lacagta ku waldaamin jiray iyada oo xaashiyo badatay ah. Markaas ayuusan ku badbaadi jirin ee lagu dili jiray intuu seyladda u sii socdo. Dhibaatadaas saboolnimada ah, waxaa Jarmalka la qabey dowladihii la xulufada ahaa oo qudhoodu uu heystey hoos u-dhac dhaqaale. Waddamadan ceyroobey waxaa kaloo ay ka mideysnaayeen, maamullada u dhisnaa oo u talinayay ee ahaa hannaan keligi-talis ah. Adolf Hitler wuxuu odey ka ahaa xisbigii Nazi-ga ahaa ee Jarmalka. Inkasta oo xisbigu uu doorasho ku yimid, misana wuxuu ahaa xisbi aanan oggoleyn siyaasad ka duwan tiisa. Wuxuu ku dhisnaa cunsuriyad, heyb-sooc iyo naceyb-abuur. Talada kama danbeysta ah waaxaa lahaa ninka xisbiga u odeyga ahaa. Dalka Jabaan ayaa isna waxaa odey u ahaa Emperor Akihito. Isagu wuxuu ahaa boqorkii 125 oo dalka Jabaan odey ka noqda. Dad-waynaha Jabaan waxay rumeysnaayeen in samada laga doorto ninka boqorka u ah, sidaa darteed talada dalka isaga ayay ku urursaneyd. Benito Mussolini wuxuu odey ka ahaa xisbigii Fascist-ada ahaa ee Talyaaniga. Wuxuu ahaa xisbi keligiis taliya oo aragtida uu qabo wax ka geddisan aanan oggoleyn. Ninka odeyga u ahaana, isaga ayay taladu ka bilaabataa kuna dhamaataa.

Waddamadaas xuddunta ahaa waxay la kici waayeen dhibaatadii ay saboolnimada u geysatay. Jarmalka oo ugu liitay ayaa wuxuu codsaday in loo soo celiyo qeybo kamid ah dhulalkii ay gumeysan jiray. Ujeeddadu waxay ahayd in uu iska fududeeyo culaabta dhaqaale-xumi ee xilligaas heysatay. Halkaas ayay ka bilaabatey iska hor-imaadkii maslaxadeed ee dowladihii ku dirirey dagaalkii II-aad ee dunida. Sidaasna heshiiskii ahaa Varsailles Treaty wuxuu ku noqdey mid dowladihii dhigtey ayan ku gaarin nabaddii ay ka filayeen in ay ka dhaxlaan.

Arimahaasi aanu soo xusney waxay ahaayeen dhacdooyinkii taariikhda galey ee hor-dhaca u noqdey in colaaddu ay is-qabsato tan iyo daafaha dunida. Waxaa weheliyay arimo kale oo loo aaneynayo in ay si toos ah xiriir ula leeyihiin dab-shidkii dagaalka. Waxaa kamid ahaa, sanadkii 1931-kii, Jabaan oo Shiinaha weerar ku qaadey. Wuxuu ka qabsadey gobolka lagu magacaabo Manshuuriya ee ku yaal waqoyi-bari. Is-bahaysi caalami ah ayaa xilligaas jiray, kaas oo la sameeyey dagaalkii I-aad dabadiis. Waxaa la oran jiray Is-bahaysiga Ummadaha (League of Nations). Weerarka Jabaan, is-bahaysigii waa uu ka aamusey oo jawaab kama uusan bixin. Arin kale ayaa jirtay oo waxay ahayd, fashilaad ku timid wada-hadal la doonayay in lagu xadeeyo loolanka u dhexeeya dowladaha ku tartamayay farsamada hubka. Bartamihii sanadkii 1933-kii ayaa lagu fashilmey arintaas. Waxaa xigey in isla-sanadkaas, Jarmalku uu ka baxay ururkii ahaa Is-bahaysiga ummadaha League of Nations. Islamarkaa dowladda Jarmalka waxay caddeysey xaqa ay u leedahay in ay hub sameysato, intii ay doonto. Sidaasna ay uga laabatey heshiiskii horey looga saxiixdey ee ahaa Varsailles Treaty.

Waxaa xusid mudan, inkasta oo dowladdii Talyaaniga uu saarnaa cuna-qabatayn dhaqaale, misana culeyska saarnaa ma ahayn mid lamid ah kii Jarmalka saarnaa. Sidaa darteed, Talyaanigu wuxuu iska ilaalinayay in aagagga xuduudda uu ka dhaco fal ku soo jeediya indhaha dowladaha ku bahoobey Is-bahaysiga ummadaha. Laakiin si hoose wuxuu ku jiray abaabul uu ku ugu diyaar-garoobayo sidii uu u buuxin lahaa qorshihiisa gumeysi ee ku wajahnaa dhulka uu ku fidinayay maamulkiisa imbraadooriga ahaa. Qorshahaasi wuxuu ahaa in Itoobiya uu ku darsado mustacmaraadka uu ku leeyahay Geeska Afrika. Meelaha uu tilmaansadey in uu kaga duulo waxay ahaayeen Soomaaliya iyo Ereteriya. Dagaalkaas oo soo af-jarmay markii ciidamadii Talyaaniga ay galeen Addis-ababa 5/ 5- 1936-kii, ayaa wuxuu ahaa dhacdooyinkii dagaalkii II-aad kii ugu horeeyey. Haddana inteynaan u guda gelin dhacdadii taariikhiga ahayd ee dagaalkan iyo saameynta uu ku yeeshay curashadii aragtida Soomaali-wayn, waxaanu dul-mar ku sameeneynaa fagaarayaalkii kale ee lagu hardamay si aanu u helno sawir inoo xoojiya fahamka midnimada Soomaaliyeed ee taariikhdan casriga ah.

Casharkii 18aad

January 5, 2012

Dabkii ka shidmay Geeska Afrika (Dhacdadii Wal-waal) waxaa xigay colaad baaxad wayn ee ka aloosantay meelo kamid ah gobollada dunida. Middeedii ugu horeysey waxay ahayd dab-shid ka qarxay koonfur-galbeed qaaradda Yurub. Dalka Isbaaniya ayaa markaas waxaa ka hurey dagaal-sokeeye oo ay ku riiqmeen dadkii ku dhaqnaa halkaas. Colaaddaas oo socotay muddo saddex sano ku dhowaad ah, waxay bilaabatay bartamihii 1936-kii. Waxay soo gaba-gabowdey bilowgii bishii abriil 1939-kii. Sababta ay colaaddu ku bilaabatay waxay ahayd, afgembi ay koox saraakiil ahkula wareegeen taladii dalka. Waxaa hoggaaminayay sarkaal la yiraahdo Francisco Franco. Af-gembiga hortiis dad-waynuhu, siyaasad ahaan wuxuu u qeybsanaa laba qeybood oo waawayn. Qeyb siyaasaddoodu ay raacsan tahay bidix iyo qeyb kale oo siyaasaddoodu ay raacsan tahay midig. Qeyb kasta oo labadaas kamid ah waxay ka koobnaayeen kooxo kala tagsan, laakiin ka mideysnaa aragti guud. Kooxaha midigta ah waxaa isku bahaystay saddex urur oo lakala yiraahdo CEDA (Confederación Española de Derechas Autónomas), Carlism oo iyagu doonayay in la xoojiyo hannaankii boqortooyada ee dhaxalka ahaa iyo kooxda Phalang oo iyagu ahaa koox xag-jir ah, dalkana ka curisey siyaasadda cunsuriyadda ku dhisan. (Payne Stanley. Fascism in Spain. 1923-1977. Pp. 200-203. 1999. University of Wisconsin).

Qeybta siyaasaddoodu u janjeertey dhanka bidix, qudhoodu waxay ahaayeen kooxo kala duwan. Waxay isugu jireen qolo aaminsan aragtida shuuciyadda xag-jirka ah, qolo kale waxaa la oran jiray Syndicalist oo iyagu ka debecsanaa qoladaas hore iyo qolo saddexaad oo ahayd hanti-wadaag. Kooxahan danbe xooggoodu waxay ahaayeen beeraleyda saboolka ah ee miyiga ku dhaqan. Iyagu, sanadkii 1933-kii waxay ku guul-dareysteen, doorasho dalka ka dhacdey. Taasi waxay sababtey in ay ku midoobaan hal xisbi. Af-gembigii ka dhacay Isbaaniya, waxaa ku qeybsamey gobolladii iyo degmooyinkii dalka. Kooxihii ka danbeeyey af-gembiga waxay gacan ka heleen kooxihii muxaafidka ahaa ee raacsanaa siyaasadda midigta ah. Waxaa si xooggan uga hor-yimid kooxihii siyaasadda bidixda raacsanaa oo iyagu isku magacaabey jamhuuriyiin. Qeybsanaantaasi waxay dhalisey, kooxihii af-gembiga in ayan gacan ka helin degmooyinkii waawaynaa ee ku yiil bartamaha dalka. Waxaa kamid ahaa Madrid, Barcelona, Oviedo, Bilbao, Badajoz, iyo Malaga. Waxaase saraakiishu ay gacan ka heleen degmooyin ku yaal waqooyiga dalka. Waxaa kamid ahaa Pamplona, Burgos iyo Valladolid. Waxaa kale oo taageerey af-gembigii degmooyin ku yaal koonfurta Isbaaniya. Waxaa kamid ahaa Cadiz, Cordoba, Seville iyo Jerez.

17/ 7- 1936-kii, af-gembigii ka dhacay Isbaaniya waxaa dibadda ka taageerey dowladdii Jarmalka ee Nazi-ga ahayd iyo dowladdii Talyaaniga ee Fashiistada ahayd. Kooxihii ka soo hor-jeedey af-gembiga ee bidixda ahaa, iyaguna waxay gacan ka heleen dowladdii Midowga Soofyeeti iyo dhaqdhaqaaqyadii shuuciga ahaa ee ka jiray qaaradda Yurub. Dowladda Mareekanka si rasmi ah ulama safan midkoodna labadii kooxood ee halkaas ku hardamayay. Laakiin waxaa xusan 2000 oo naftood-hurayaal ah oo Mareekan ah in ay ka qeyb-qaateen dagaalka iyaga oo la dhan ah kooxda jamhuuriyiinta ee bidixda ah. Dhanka kale qaar kamid ah shirkadihii waawaynaa ee Mareekanka ayaa waxay la safteen kooxaha garabkii muxaafidka ahaa. Waxaa shirkadahaas kamid ahaa shirkadda shidaalka ee Texaco, labada shirkadood ee gawaarida sameeya General Motors iyo Ford Motors, iyo shirkadda shaagagga gawaarida ee la yiraahdo The Firestone. Shirkadahaas ayaa muddadii uu dagaalku socdey waxay ugu deeqeen garabka muxaafidka ah agab isugu-jira gawaari, cagaf-cagafyo, shaagag, shidaal iyo qalab kale oo ay dagaalka u adeegsadaan. (Tierney, Dominic. Spanish Civil War. Neutrality and Commitment in the Struggle That Divided America. Pp. 67-8, Duke University. Press 2007).

Sida u caadada ah dagaal kasta ee dhex-mara dad sokeeye ah, colaaddii Isbaaniya waxaa ku bas iyo baad beelay qoysaskii qaraabada iyo ehelka isu ahaa iyo dadkii derisnimada iyo ood-wadaaggu ay ka dhexeeysay. Waxaa birta isu afeestey qoysaskii, saaxiibadii, deriskii, eheladii, xigtadii iyo dadkii qaraabada isu ahaa. Nin kasta kii uu wax u qabey oo gacantiisu ay gaari kartey ayuu ka aar-goostey. Fowdadii bilaabatey meel kasta ayay ku habsatay. Muddo saddex sano ah oo dagaalkaas uu socdey dadku waxay isku leynayeen kala duwanaansho aragti siyaasadeed, aragti caqiido iyo aragti maslaxadeed. Taangiyadii iyo dayuuradihii loo sameystey in ciidamo cadow ah lagula diriro ayaa degmooyinkii iyo tuulooyinkii dalka ay ku bas-beeleen.

Dagaalkaasi wuxuu gaarey dhamaan degaanka dalka Isbaaniya. Muddadii uu socdey dadka ku naf-waayay waxaa lagu qiyaasaa 500.000 oo qof. Dagaalkii wuxuu si buuxda u soo af-jarmey bartamihii bishii julay 1939-kii, markaas oo ay guushii raacdey kooxihii qowmiyiinta muxaafidka ahaa. Iyagu waxay gacanta ku dhigeen gebi ahaan gobolladii dalka. Kooxihii bidixda ee jamhuuriga ahaa, wixii ka bad-baadey waxay u qaxeen waddamadii deriska ahaa. Intoodii badnayd waxay galeen xeryo qaxooti oo looga sameeyey dalka Faransa oo la deriska ah. (Thomas Barria-Norton, The Spanish Civil War, 2001, pp. xviii & 899-901). Markii uu bilowday dagaalkii sokeeyey ee Isbaaniya, sanad dabadeed bariga fog ayaa waxaa ka bilowday dagaal mug wayn. Ciidamada dalka Jabaan ayaa weerar ku qaadey gobollada bari ee dalka Shiinaha. Dagaalkaasi wuxuu ahaa midkii ugu xoogga waynaa ee ka dhaca qaaradda Aasiya muddadii uu socdey dagaal-waynihii II-aad ee dunida. Wuxuu socday muddo dhan siddeed sano (7-dii julay 1937-kii iyo 9-kii sebtember 1945-kii). Dadka ku naf waayay waxaa lagu qiyaasaa in ay yihiin kala bar (50 %) dadkii ku dhintey guud ahaan dagaalladii dhex marey dowladaha ku weegaaran bad-waynta Baasifikada.

Intuusan dagaalku bilaaban, Jabaan waxay qorsheysey mashruuc baaxad-wayn oo ay ku dooneysey in ay ku qabsato gebi ahaan dalka Shiinaha. Xilligaas Jabaanku waxay ka talinayeen gobolka la yiraahdo Manchuriya oo ku yaal waqooyi-bari ee dalka shiinaha. Waa dhul dooxooyin ah oo ay buuro ku hareereysan yihiin. Dhulkaas oo hodan ku ah macdanta birta ah ayaa baaxadda uu ku fadhiyo waxay dhan-tahay 1.200.000 km2. Bishii juun 1937-kii, Jabaanku waxay bilaabeen, ciidamo badan oo uu weheliyo qalab-dagaal in ay u daad-gureeyaan jasiiradahooda ku wajahan xuduudda Shiinaha. Ujeeddada u qarsooneyd Jabaan waxay ahayd, ciidankan in ay bilaabaan weerarka hore oo ay ku doonayeen qabashada gobollada bari ee Shiinaha.

Ciidankan, markii hore waxay tiradoodu dhamaayayd 10.000 oo nin. Iyagu waxay soo degeen kaabadda ugu wayn ee marta webiga la yiraahdo Yellow River. Kaabaddaas oo magaceeda loo yaqaan Marco Polo Bridge, waxay 15 km. oo qura u jirtaa magaalo-madaxda Shiinaha (Beijing). Shiinuhu waxay kaabaddan u yaqaaniin kaabadda Logou. Xilligaas waxaa halkaas mari jiray xuduudda u dhexeysey labada dalka Shiinaha iyo gobolkaas ay Jabaanku gumeysanayeen. Ciidamadii Jabaan ee xuduudda la keeney, waxay bilaabeen, habeen walba in ay dab-rid iyo falal ah tababar ciidameed ka sameeyaan dhanka galbeed ee kaabadda. Dowladdii Shiinaha waxay walaac ka muujisay tababarkan culus ee ciidamada Jabaan ay ku qaadanayaan dhulka ku aaddan xuduudda u dhexeysa labada dal. Shiinuhu waxay markaas codsadeen, in la soo ogeysiiyo habeenka ciidamada Jabaan ay sameynayaan tababarka. Waxay u cuskadeen, dab-ridku in uusan argagax ku noqon dad-waynaha Shiinaha ah ee ku dhaqan dhanka kale ee kaabadda. Inkasta oo Shiinaha qudhoodu ay ciidamo ka joogeen goobta, misana ciidamadii Jabaan waa ay oggolaadeen codsigii. Laakiin aqbalaaddii Jabaan ma noqon mid ay ku kala bad-baadaan labadii ciidan. Habeen ayaa waxaa dhacday in ciidamadii Jabaan ay goor fiid ah bilaabaan dab-rid, iyaga oo aanan wax ogeysiis ah gaarsiin dhankii ka soo hor-jeedey. Ciidamadii Shiinaha oo mar walba heegan ahaa ayaa waxay u qaateen in dagaal lagu soo qaaday. Sidaa darteed waxay kaga jawaabeen in ay rasaas digniin ah ku soo furaan dhankii ay fadhiyeen ciidamada Jabaan. Waxaa halkaas ka bilaabatay in labadii ciidan ay rasaas is-dhaafsadaan. Habeenkaas oo ay taariikhdu ahayd 7/ 7- 1937-kii ayaa xabbadihii leys-dhaafsaday waxay sabab u noqdeen colaaddii ka hurtay bariga-fog.

Muddo gaaban dabadeed waxaa joogsadey rasaastii ay labada ciidan is-weydaarteen. Askari Jabaan ah ayaa goobtiisii ku soo laaban waayay. Sarkaalkii taliyaha ka ahaa qeybtii uu askarigu ka maqnaa, wuxuu u qaatey in askarigiisii maxbuus ahaan loo qabsadey. Khabarkii wuxuu gaarey taliyihii qeybta. Isla-habeenkii ayuu taleefan kula soo hadley taliyihii ciidamada Shiinaha oo ay is-hor fadhiyeen. Hor-joogihii ciidamada Shiinaha wuxuu sheegey in ayan xog ka hayn askariga Jabaanka ah. Taliyihii ciidamada Jabaan ayaa markaas wuxuu codsadey in loo saamaxo ciidamadiisa in ay baaritaan ku sameeyaan degmada Wanping, si ay u baadi-goobaan askariga ka maqan. Sarkaalkii Shiinaha ahaa waa uu diidey codsigii uga yimid taliayaha ciidanka Jabaan. (Feuerwerker, Albert, Twitchett, Denis Crispin, 1986, History of China. Cambridge University Press. Pp. 547-551).

Saraakiishii ciidanka Jabaan waxay arinkii u qaateen ihaano lagula kacay qarannimadooda. Sidaa darteed, ka-hor intuusan waagu baryin waxay bilaabeen weerarkii u qorsheysnaa, iyaga oo sabab uga dhigaya askarigii ka maqnaa. Ciidankii Jabaan iyo qalabkoodii waxay ka soo tallaabeen kaabaddii. Qorshaha u degsanaa taliska ciidanka bqortooyada Jabaan wuxuu ahaa, markuu weerarku bilowdo, muddo saddex bilood ah in ay gacanta ku dhigaan saddex degmo oo waawayn oo dalka Shiinaha kamid ah. Degmooyinka ay tilmaansadeen waxay ahaayeen Shanghai, Nanjing iyo Shanxi.

Jabaanku waxay markaas ku soo weerartameen ciidan gaaraya 200.000 oo nin. Laakiin goor danbe tiradaas waxay gaadhay 3.900.00 oo nin. Waxaa weheliyay 900.000 oo ay ka qorteen dalka Shiinaha gudihiisa. Difaacii adkaa oo Shiinuhu ay dhigeen xuduudda ayaa wuxuu u suurogelin waayay in Jabaanku ay si fudud ku gaaraan guushii ay filayeen in ay deg-deg ku gaaraan oo ay ku qabsadaan saddexdii degmood. Bishii disember 1937-kii, ciidamo Jabaan ah oo tiradoodu ay tahay 50.000 ayaa waxay weerareen gobol koonfur-galbeed xiga ee la yiraahdo Jiangsu. Waxay doonayeen, guushii ay ka filayeen Shanghai oo ay waayeen, in ay ka helaan meel ka daciifsan. Magaalada la yiraahdo Nanking oo magaalo-madax u ahayd gobolkaas lagu dagaalamayay, ayaa muddo saddex toddobaad ah Jabaanku waxay ku laayeen dad tiradoodu lagu qiyaasay 300.000. Waxaa halkaas ka dhacay mid kamid ah fadeexooyinkii ugu waynaa ee aadamiga laga galey taariikhda casriga ah. Dhacdadaas oo loo yaqaan kufsashadii Nanking (The Rape of Nanking) ayaa waxay astaan u noqotey xasuuqii uu dagaalku ku reebey degaamada bariga fog.

Mooryaanimada ay ciidamada Jabaan kula kaceen dadkii ku dhaqnaa magaalada Nanking, waxay bilaabatay 13/ 12- 1937-kii. Jabaanku wuxuu arintaas ku doonayay in uu argagax ku abuuro dad-waynaha Shiinaha, si ay ugu sahlanaato guushii uu filayay oo u suurogeli-weydey. Taasina waxay qeyb ka ahayd siyaasaddii uu ku doonayay in uu dalka ku qabsado, kadib markii ay u caddaatay in ay adag-tahay in uu gacanta ku dhigo dalka Shiinaha. Waxaa kaloo ciidamadii Jabaan ay weerar xagga cirka ah ku bur-biriyeen dhamaan dhisma-hoosaadkii ay lahaayeen degmooyinka waawayn. Ceelashii biyaha, matooradii dhalinayay tamarta korontada iyo waddooyinkii ayay bur-buriyeen. Xataa isbitaalladii oo ay ka lushaan astaantii caafimaadka iyo calamadii laan-kheyrta casa yay la beegsadeen qaraxyadii ay wax ku bur-burinayeen.

Jabaanku awood uma uusan lahayn uu ku maamulo dalka baaxadda way nee Shiinaha iyo weliba tira-badnida dadka Shiinaha ah. Sidaa darteed wuxuu doortey in uu dhiso dowlad la saaxiib ah oo si dadban uu dalka ugu xukumo. Dowladdii uu dhisey ma noqon mid soo dhoweyn ka hesha dad-waynaha. Gaar ahaan xasuuqii ay sameeyeen ciidamada Jabaan ayaa wuxuu noqdey fal sumcad u kordhiya laba kooxood ee xilligaas hoggaaminayay siyaasadda dalka Shiinaha. Koox waxay ahaayeen qowmiyiin oo iyagu waxay markaas ka talinayeen dalka. Waxaa la oran jiray (Kuomintang). Koox kale waxay ahaayeen dhaqdhaqaaqii shuuciyiinta. Waxaa kordhey taageeradii ay dad-waynaha ka helayeen labadaas kooxood oo xilligaas dagaal kula jiray ciidamada Jabaan.

Qorshaha Jabaanku wuxuu ahaa, muddo saddex bilood ah in ay ku soo gaba-gabeeyaan dagaalka ay ku qabsanayaan gobollada bari ee Shiinaha. Laakiin arintaas uma suuragelin oo laba sanadood ayay ku qaadatay. Shiinaha ayaa dhankooda waxay qaateen istraateejiyadda ah ka faa’iideysiga wakhtiga iyo meesha (Trading Time and Space). Taas oo macnaheedu yahay, dhulka dagaalku ka socdo oo ah mid baaxad wayn, marka lagu daro wakhtiga dagaalku soconayo oo la dheereeyo. Labadaas arimood waxay garab siinayaan ciidamada Shiinaha, isla-markaas waxay dhaawac ku yihiin ciidamada Jabaan. Sidaa darteed, Shiinuhu waxay bilaabeen dagaal xooggan oo qaab dhuumaaleysi ah. Dabayaaqadii sanadkii 1939-kii, dagaal wayn oo ka dhacacay koonfurta dalka, ayaa ciidamadii Shiinuhu waxay ku qabsadeen degmada Changsha ee ku taal koonfur-galbeed. Dagaalkaas oo kamid ah dagaallada ka sheeggan dhacdooyinkii xilligaas ka dhacay degaanka ayaa waxaa leysu adeegsadey hubka naabaalka. Waxaa ku xigey weerar ay Shiinuhu ku qabsadeen gobolka Guangxi ee dhanka galbeed xuduudda kala leh Fiyetnam, dhanka koonfureedna xeebta Badda Koonfurta Shiino. Labadaas guul waxay dhiiri-geliyeen ciidamadii Shiinaha oo iyagu bilaabay weerer ballaaran oo rogaal celis ah.

Disember 1941-kii, ciidamada cirka ee Jabaan waxay weerareen saldhiggii ugu waynaa ee ciidanka badda Mareekanka ay ku lahaayeen bad-waynta Baasifikada. Shiinuhu waxay markaas ku dhawaaqeen in ay si buuxda ula dagaalamayaan boqortooyada Jabaan. Dhacdooyinkaasi dabadeed, Madax-waynihii Mareekanka Franklin D. Roosevelt wuxuu ku dhawaaqay afar waddan oo uu ku sheegey in ay yihiin biliiskii adduunka. Afartaas dal ayuu ku sheegey USA, UK, USSR iyo Shiinaha. Arintaasi waxay kor u qaaday hankii dowladda Shiinaha. Waxaa markaas bilaabatay in saddexdaas dal ay gargaar ciidan u fidiyaan dalka Shiinaha. Dhulkii xeebta ahaa dhamaantiis waa laga qabsadey Shiinaha. Dowladdii Midowga Soofyeeti, inkasta oo ay gaadiid tariin ah ku gaarsiisey wixii gargaar ah oo ay Shiinaha u fidineysey, misana waa ay diidey gargaarka Mareekanka iyo Ingiriiska in loo sii mariyo xuduudda Kasakhistaan. Sidaa darteed habka keliya oo lagu gaarsiin karo gargaarka wuxuu noqdey dhanka hawada. Mashruucaas oo la magac baxay Kuruska Dushiisa (Over The Hump) ayaa dayuuradaha ka qeyb-qaadanayay waxay ka soo kacayeen Hindiya. Waxay soo dulmarayeen buuraha taagga dhaadheer ee la yiraahdo Himalaaya, kuwaas oo ku teedan 2.900 km. Silsiladda buuraha Himalaaya, kuwooda ugu dhaadheer waxay ka sareeyaan dusha biyo-badeedka 6.000 m. Markey taariikhdu ahayd 8/ 4- 1942-kii ayaa duulimaadkii ugu horeeyey wuxuu ka soo kacay degmada Dinjin ee ku taal gobolka Dibrugarha ee waqooyi-galbeed. (Weaver and Rapp. 1944. pp. 1-196).

Inkasta oo dhamaan wixii wershado hub ahaa oo Shiinuhu ay lahaayeen, ay noqdeen wax la qabsadey iyo wax la bur-buriyay, misana waxaa jiray hub gacantooda ku haray oo ay u kaashadeen dagaalkii ay kula jireen ciidamada Jabaan. Waxaa kaloo jiray kaalmo ay Shiinuhu ka heleen dowlado ka soo horjeedey in Jabaanku qabsadaan degaanka. Bilowgii dagaalka dowladaha kaalmada bixiyay waxay ahaayeen Midowga Soofyeeti iyo Jarmalka. Sanadkii 1937-kii ayaa labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis la magac-baxay Sino-Soviet Non-agression Pact. Heshiisku wuxuu dhigayay in ayan isku soo duulin oo ay nabad ku wada-noolaadaan. Waxaa xigey howl-galkii qarsoodi ahaa oo ay ku magacaabeen Operation Zet, kaas oo Soofyeetigu uu Shiinaha ugu fidinayay kaalmo ciidameed. Waxaa kamid ahaa farsamo-yaqaano, khubaro dagaal iyo duuliyayaal naftood-hurayaal ah oo ka dagaalama dhanka Shiinaha. Khuburada Soofyeetiga ee Shiinaha gacan-siiyay waxaa kamid ahaa Jeneraal Vassily Ivanovich Chuikov. Isagu wuxuu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay dagaalkii waynaa eek a dhacay magaalada Stalin-graad (Battle of Stalin-garad) ee Jarmalka lagu jebiyay sanadkii 1943-kii.

Kaalmada dowladihii xulufada ahaa ay siinayeen Shiinaha wxay balaabatay wakhti ay cirka isku shareertay dhimbilaha colaaddii socotay. Waxaa jiray arimo xoojinayay taageerada ay Shiinuhu ka helayeen dowladaha reer gal. Dacdooyinkii waxashnimada ahaa ee lagula kacay dadka rayidka ah sanadkii 1937kii, waxaa weheliyay in dayuuradaha Jabaan ay duqeeyeen markab uu leeyahay Mareekanka oo marayay webiga la yiraahdo Yangtze. Webigan ayaa wuxuu yahay midka saddexaad ee ugu dheer webiyada adduunka. Biyihiisu waxay ka yimaadaan buuraha barafka ah ee ku yaal xuduudda bari ee Shiinaha, waxayna ku qabtaan badda Shiinaha (Yellow Sea). Markabkaas la dejiyay waxaa la oran jiray Panay. Wuxuu daad-gureynayay jaaliyaddii Mareekanka ahayd ee xilligaas ku dhaqneyd degmooyin kamid ah Shiinaha.

Dhacdooyinkaas waxay soo jiiteen in Shiinuhu ay gacan ka helaan dowladihii xulufada ahaa. Agabka dagaal iyo khuburada ka sokow, Mareekanku wuxuu Shiinaha ugu deeqey duuliyayaal naftood-hurayaal ah oo la dagaalama Jabaanka. Raggaas oo loo yiqiin Flying Tigers, ayaa waxay buuxiyeen meeshii ay duuliyayaasha Soofyeetiga ugu jireen Shiinaha. Weerarkii xoogganaa oo Jarmalku uu ku soo qaaday Soofyeetiga ayaa hakiyay deeqdii xagga duuliyayaasha oo Shiinuhu ay ka heli jireen dhanka Soofyeetiga.

Taageerada Mareekanka ee Shiinaha kuwoodii ugu milgaha cuslaa waxaa kamid ahaa waddo ay ka dhiseen dhulka buuraleyda ah ee u dhexeeya Hindiya iyo Shiinaha. Waddadaas oo (Ledo Road) ayaa waxay kamid ahayd agabkii lagu jebiyay Jabaanka kuwoodii ugu waynaa. Muddada uu dhismaheedu socday waxay ahayd 16/ 12- 1942-kii illaa 20/ 3- 1945-kii. Waddadaas oo ahayd mid aanan aad u dheereyn (436 km.) ayaa kharajka ku baxay wuxuu dhamaa 148.000.000 US $. Waxaa halkaas la soo mariyay hubkii ay Shiinuhu u adeegsadeen dagaalkii waynaa oo ay dhulkooda kaga xoreeyeen Jabaanka. Haddii ayan waddadaas jiri lahayn, suuragal ma noqoteen in hubkaas la gaarsiiyo gacanta dagaalyahannadii Shiinaha. Dabayaaqadii 1944-kii weerar ballaaran oo ay soo qaadeen ciidamo xooggan oo dhanka Hindiya lagu diyaarinayay muddo dhowr sanadood ah ayaa xuduudda galbeed ka dhacay. Ciidankaas oo hub iyo tababar ka heley xoogaggii xulufada ayaa waxaa hoggaaminayay General Sun Li-jen oo lagu naaneyso (Rommel-kii bariga). Dagaalkii ay la galeen ciidamada Jabaan, waxaa ku soo biiray ciidan kale oo qudhoodu gacan ka heley xoogagga xulufada. Ciidankan danbe waxay ka yimaadeen gobolka la yioraahdo Yunnan (koonfur-galbeed), oo waxaa hoggaaminayay General Mong-Yu. Labadaas ciidan waxay ku guuleysteen in ciidamadii Jabaan ay ka fogeeyaan xuduudda Shiinaha ee waqooyiga Burma.

Xagaagii 1945-kii, ciidamadii Jabaan waxaa laga kiciyay gobolka Guandong ee ku yaal xeebta koonfureed dalka Shiinaha. Dabadeed dhanka waqooyi ayaa loo riixay illaa laga gaaray magaalo-madaxda labaad Shanghai. Dabadeed ciidamadii Soofyeetiga oo u soo tallaabay gobolka ku yaal xuduudda waqooyi Manchuriya iyo qaraxyadii atoomikada ahaa ee lala beegsaday labada degmo Hisroshima iyo Nagazaki, ayaa waxay soo af-jareen awooddii boqortooyada Jabaan.

Casharkii 19aad

January 24, 2012

Weerarkii ka bilowdey geeska Afrika oo Talyaanigu uu ku qaadey Itoobiya, iyo kii ka bilowdey bariga-fog ee Jabaanku uu ku qaadey Shiinaha, jamciyaddii caalamiga ahayd (League of Nations) waa ay ka aamustey. Sababtu waxay ahayd dowladaha hor-boodayay jamciyadda (Ingiriis, Faransiis iyo Mareekan) oo aanan xilligaas qorsheysan in ay ka qeyb-qaataan dagaal dunida ka hura. Ingiriiska iyo Faransiiska waxaa gacanta ugu jiray inta badan ummadihii la gumeysanayay ee ku dhaqnaa qaaradaha Afrika iyo Aasiya. Mareekanka ayaa isna xilligaas ku howlanaa, dowladaha ka dhisan Latiin Ameerika sidii uu siyaasaddooda ugu sidki lahaa middiisa. Aamusnaanta ay saddexdaas dowladood kaga jawaabeen dhul-boobkii Talyaaniga iyo Jabaan, waxay hunguriga u furtay in Jarmalkiina uu dhankiisa damac galo oo uu weeraro dowladihii la deriska ahaa. Gaar ahaan dowladihii xorta ahaa ee xuduudda la lahaa.

Saddex dal ayuu markaas isha ku qabtay, si boobka hore uu ugu qaado. Iyagu waxay kala yihiin Austria, Czechoslovakia, iyo Poland. Jarmalka ayaa xilligaas wuxuu ku guuleystay in uu soo ceshado heybaddii uu ku lahaa dowladaha Yurub dhexdooda. Wuxuu dhistay ciidan adag oo tiro iyo tayo leh. Wuxuu deg-deg ku soo saaray qalab dagaal oo xilligaas casri ahaa. Wuxuu markaas bilaabay in uu ku tallaabsado sidii uu u dhul-boobi lahaa dowladaha la deriska. Dalka Austria oo dhanka koonfureed ay xuduud ka leeyihiin ayaa dadka ku dhaqan 98 % waxay yihiin dad Jarmal ah. Xisbigii Naasiga ahaa ee Jarmalka u talinayay, intuusan duulaanka qaadin, wuxuu bilaabey dhaqdhaqaaq ay ku magacaabeen (Heim ins Reich) oo macnaheedu yahay ku soo laabo Imbraadooriyadda (Jarmalka). Waxay ku doonayeen in ay ku mideeyaan dadka asalkoodu yahay Jarmalka ee ku dhaqan dowladaha ay deriska yihiin. Waxaa aragtidaas la qaatay dad-wayne badan oo u dhashay dalka Austria. Xisbi aragtidiisu bidix tahay ee dalkaas ka dhisnaa (Austrian National Socialism) ayaa si xooggan ugu ololeynayay aragtida mideynta Jarmal-Wayne (Pan German).

Arintaasi waxay khilaaf ka dhex aloostay labada dowladood ee deriska ah Austria iyo Jarmalka. Kulamadii ay khilaafka ku hagaajinayeen kiisii ugu danbeeyey wuxuu dhacay markay taariikhdu ahayd 12/ 2- 1938-kii, kaas oo ay isku arkeen labada hoggaamiye (Adolf Hitler iyo Kurt Alois von Schuschnigg). Kulankaasi wuxuu ka dhacay magaalo la yiraahdo Berchtesgaden, oo ku dhex taal buuraha xuduudda ah ee u dhexeeya labada dal. Nasiib-darro kulankii ma noqon mid lagu gaaro xasiloonidii darteed loo qabtay. Hoggaamiyihii Jarmalka wuxuu goobtii la yimid arimo uu u yeerinayo hoggaamiyaha Austria. Waxaa kamid ahaa in uu ka shaqeeyo in wasiirka nabad-sugidda uu ka dhigo ninka magaciisa la yiraahdo Arthur Seyss-Inquart, kaas oo ahaa nin u caadifadeysan aragtida Naasiga. Waxaa kaloo uu Hitler dalbaday ninka la yiraahdo Dr. Hans Frischböck in loo magacaabo wasiirka maaliyadda si loo mideeyo hannaanka dhaqaale ee labada dal iyo in xabsiga laga sii daayo saraakiil loo xiray aragtida Naasiga ah. Hoggaamiyaha Austria ayaa wuxuu arimahaas ku beddeshey in Hitler uu si cad u sheego in uu xaq-dhowrayo heshiis ay labada dal dhigteen 11/ 6- 1936-kii, kaas oo tilmaamayay in Jarmalka uu xushmeeyo madax-bannaanida dalka Austria. (Christopher Hibbert. Benito Mussolini – A Biography. The Reprint Society. 1962. p. 115. London – UK).

Hoggaamiyihii dalka Austria Kurt Alois von Schuschnigg, waa uu fuliyay ballantii uu qaaday oo is-beddelkii uu Hitler doonayay ayuu ka sameeyey dowladdii uu odeyga ka ahaa. Misana si uu u badbaadiyo madax-bannaanida dalkiisa, ayuu wuxuu ku dhawaaqay in afti la qaado oo dad-waynuhu ay doortaan hannaankii ay rabaan iyo ciddii u maamuli lahayd. Aftidaas oo lagu dhawaaqay kulankii Hitler hortiis, ayaa qabashadeedii waxay ahayd 13/ 3- 1938-ka. Da’da ugu yar oo aftida ka qey-qaadaneysa wuxuu ku sheegey 24 sano jir. Sababtu waxay ahayd, da’yartu waxay ahaayeen kuwo isbeddel doonayay. Isbeddelka qura oo fagaaraha ka muuqda wuxuu ahaa dhaqdhaqaaqii Naasiga ahaa oo Hitler uu odeyga ka ahaa.

Hoggaamiyhii Jarmalka kuma uusan qancin arintaas. Markii uu heshiiska dhacay ayaamo kadib, Hitler wuxuu ku khudbeeyey in dowladda Jarmalka ayan u dulqaadaneyn 10-ka melyan ee Jarmalka ah ee lagu cadaadinayo xuduudda Jarmalka bannaankeeda. Hadalkaas wuxuu u muuqday mid ku wajahan labada dal ee ah Austria iyo dalkii la oran jiray Checho-slovakia. Isla-markaas hadalku wuxuu ahaa dhambaal muujiyay, xukuumadda Naasiga ah in ayan wax xushmad ah u hayn heshiiskii ay la dhigatay Austria.

Hoggaamiyihii Jarmalka wuxuu Aftidii ku magacaabay tallaabo xeeladeysi ah oo dowladda Austria kula kacayso dadka Jarmalka ah ee ku hoos nool maamulka Austria. Sidaa darteed wuxuu caddeeyey in uusan aqoonsaneyn wixii natiijo ah oo ka soo baxa aftidaas. Waxaa xigay wasiirkii war-faafinta ee Jarmalka in uu baahiyay hadal been ah. Isagu wuxuu sheegey, Austria in ay ka bilowdeen rabshado xooggan oo gilgiley xasilloonidii dalka. Dad-waynuhuna ay u wacdeen dowladda Jarmalka in ay badbaadiso nadaamka iyo kala-danbeynta. 11/ 3- 1938-kii, Hitler wuxuu digniin u direy hoggaamiyihii Austria, isaga oo ku amray in uu talada dalka si buuxda ugu wareejiyo xisbiga qowmiga ah ee la yiraahdo Austrian National Socialists. Haddii uusan sidaas yeelin wuxuu sheegey in uu xoog kula wareegayo talada dalka. Kurt Alois von Schuschnigg, markii ay u caddaatay in Jarmalku ay ka go’an tahay la wareegga dalkiisa, isla-markaas xoogaggii kale ee Yurub (Ingiriis iyo Faransiis) ayan diyaar u ahayn in ay ka difaacaan, wuxuu guddoonsaday in uu is-casilo. Galabnimadii ay taariikhdu ahayd 11/ 3- 1938-kii ayuu idaacaddii dalka kaga dhawaaqay in uu xilkii dhigey. Habeenimadaas markay saacaddu ahayd 1-dii, ciidamadii Jarmalka waxay ka soo tallaabeen xuduuddii u dhexeysey labada dal.

Ciidamadii Jarmalka ee galay Austria waxaa lagu soo dhoweeyey ubax iyo salaantii ahayd gacan-taagga (Hitler solutes). Sidaa darteed ayaa Jarmalka waxay dagaalkaan ku magacaabeen (War of Flowers). Bil gudaheed ayaa Hitler uu booqasho ku yimid Austria. Socdaalkaas oo uu ku magacaabay socodkii Guusha, wuxuu ku soo gaaray magaalo-madaxdii dalka Vienna 2/ 4- 1938-kii. Dad gaaraya 200.000 ayuu kula fadlay fagaaraha Geesiyada (Square of Hroes), si ay uga dhegeystaan bayaankiisii uu ku caddeeyey Austira in ay kamid tahay Imbraadooriyadda Jarmalka. Hadalkii khudbaddiisa waxaa kamid ahaa: “ Qaar kamid ah wargeesyada shisheeyaha waxay sheegeen, in aan Austria xoog ku qabsanay. Taasina ay ka danbeysey kadib markii aanu si bahalnimo ah ula dhaqanay. Waxaan arintaas ka leeyahay, xataa haddii ay dhintaan ka hari maayaan in ay been sheegaan. Masiirka halgankeyga siyaasiga ah, anigu waxaan ku guuleystey jacayl badan oo ay ii qaadeen dadkayga. Markii aan ka soo tallaabay xuduuddii hore ee (ee labada dal u dhexeysey), waxaan halkaas kula kulmay qul-qul jacayl butaacaya oo aanan horey u arag. Annaga oo qooqaayaal ah ma aanu iman, waxaanse nimid annaga oo ah kuwo dadka xoreeyey “. (Video: Hitler proclaims Austria’s inclusion in the Reich – 2 MB).

Si ayan Austria ugu muuqan dal uu xoog ku qabsadey, hoggaamiyihii Naasiga, wuxuu ku dhawaaqay in dad-waynaha ay afti bixiyaan, taas oo ay codkooda ku muujinayaan in ay doonayaan midnimada Jarmalka. Aftidaas oo la qabtay 10/ 4- 1938-kii, natiijadii ka soo baxday waxay ahayd 99,73 % in ay u codeeyeen midnimada Jarmalka. Dabadeed waxaa dalkii lagu magacaabay gobolka Ostmark. Wuxuu noqdey gobol kamid ah gobollada Jarmalka. Waxaa xigay dhismo gole degaan oo maamula gobolka, kaas oo odey looga dhigay Seyss-Inquart. Waxaa arintaas dhinac socdey cadaadis siyaasadeed oo ciidamada Jarmalka ay ka bilaabeen degaanka. Markii ay ciidamada Jarmalka soo galeen Austria, muddo dhowr cisho ah ayaa waxay xabsiyada u taxaabeen dad gaaraya 70,000 oo qof. Waxaa bilaabatay in dad badan ay dalka ka qaxaan iyaga oo ka cabsi-qaba ciqaabta ciidamada Naasiga. Sidaas ayaa Jarmalkii ay ku qaateen Ausria.

Dowladihii Yurub, kuwoodii ugu xoogga waynaa (Ingiriis, Faransiis iyo Talyaani), midkoodna kama hor iman damacii Jarmalka oo waa ay ka aamuseen. Waxaa iyadana ka aamustay dhacdadaas Jamciyaddii Quruumaha (League of Nations). Jarmalkii intaas kuma ayan qancin oo waxay bilaabeen marmarsiinyo ay ku qabsadaan dowlad kale oo iyana ay xuduud wadaagaan. Taasina waxay ahayd dowladdii la oran jiray Czecho-slovakia, taas oo degaamadeeda waqooyi ay ku dhaqan yihiin dad Jarmal ah. Si ay qiil ugu yeelaan mashruucooda dhul-boobka ah, Jarmalku waxay degaanadoodii ka bilaabeen bannaan-baxyo xooggan oo ay hor-kacayaan kooxihii waday dhaqdhaqaaqii ahaa (Heim ins Reich). 30/ 5- 1938-kii, Hitler wuxuu faray saraakiishiisii in ay diyaariyaan weerarkii ay ku qabsan lahaayeen Czechoslovakia. Laakiin isagu wuxuu fahamsanaa ahmiyadda ay leedahay dicaayad uu ka hor-mariyo weerarka. Sidaas darteed degaanka lagu magacaabo (Sudentenland) oo dagaalkii I-aad kadib lagu daray Czechoslovakia, ayuu codsadey in afti laga qaado. Waxaa halkaas ku dhaqan dad asalkoodu Jarmal yahay. 17/ 9- 1938-kii Hitler wuxuu dhisay koox matasha nadaam gooni u-goosad ah eek u wajahan degaanka waqooyi ee Czecho-slovakia. Wuxuu ku magacaabay Ciidanka Jarmalka ee gobolka Sudenten ee Xorta ah (Sudeten Deutschen Frei Korps). Waxaa odey u noqdey nin gobolkaas u dhashay oo la yiraahdo Konrad Henlein.

Markay arintaasi dhacday ayaa dowladdii Czecho-slovakia, waxay heshiis ciidan la dhigatay waddamada Faransa iyo Midowga Soofyeeti. Heshiisku wuxuu qeexayay, haddii Jarmalku ku duulo dalka Czecho-slovakia, in labadaas dowladood ay waddankaas ka difaacayaan gardarada Jarmalka. Faransiisku ma uusan dooneyn in uu Jarmalka la galo dagaal uusan Ingiriisku kula jirin. Ingiriiskuna ma uusan dooneyn in uu Jarmalka dagaal la galo. Si haddaba Yurub looga badbaadiyo mixnaddaas, ayaa ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska Neville Chamberlain waxaa u muuqatay in damaca Jarmalka ay ku qaboojiyaan gobolka Sudentenland ee waqooyiga Czecho-slovakia. Sidaa darteed isagu wuxuu ku dhawaaqay in wada-hadal ay isugu yimaadaan dowladaha waawayn ee Yurubta galbeed. Markay taariikhdu ahayd 30/ 9- 1938kii, ayaa magaalada Munich waxaa ku kulmey hoggaamiyihii Naasiga (Adilf Hitler), ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska (Neville Chamberlain), ra’iisul-wasaarihii Faransiiska (Édouard Daladier) iyo hoggaamiyihii Talyaaniga (Benito Mussolini).

Wada-hadalkii wuxuu ku dhamaaday in Jarmalka loo xalaaleeyo dalkii uu qabsadey ee ahaa Austria iyo in loo oggolaado degaanada uu ku sheeganaayo Czecho-slovakia. Heshiiskaas ka dhacay magaalada Munich, ayaa lagu magacaabaa Munich Agreement.

Bishii janaweri 1939-kii waxaa bur-buray wada-hadal nabadeed ee u dhexeeyey Jarmal iyo Poland. Jarmalku wuxuu markaas guddoonsadey in uu xoog ku qabsado dalkaas. Laakiin si uu tallaabadaas u qaado, wuxuu ku khasbanaa in uu ku hor-maro dalka Czecho-slovakia. 13/ 3- 1939-kii waxaa magaalada Berliin lagu casumey Hozef Tiso, oo ahaa hoggaamiyaha xisbiga Slovak People’s Party oo gacan saar ay lahaayeen Jarmalka. Isagu wuxuu ahaa nin matalayay qowmiyadda Slovak ee kamid ah labada qowmiyadood ee uga waawayn dalka. Kadib markii la ogaysiiyay in ciidamada Jarmalka ay ku duulayaan Czecho-slovakia, waxaa laga codsadey in uu ku dhawaaqo in degaanka ay ku dhaqan yihiin dadka Slovakian-ka ah ay ka go’een dalka intiisa kale. Hozef Tiso markii uu ku dhawaaqay gooni-isutaagga gobollada Slovakian-ka, ayaa Hitler wuxuu magaalada Berlin ugu yeerey ninka la yiraahdo Emil Hácha oo ahaa madax-waynihii Czecho-slovakia. Habeenimadii ay taariikhdu ahayd 15/ 3- 1939-kii waxaa kulmay madax-wayne Emil Hácha iyo hoggaamiyihii Jarmalka Adolf Hitler.

Madaxdii Jarmalka waxay fadhigii ku handadeen Emil Hácha. Waxay u sheegeen, in ay cirka ka weerarayaan magaalo-madaxdiisa. Si haddaba uu u badbaadiyo dadkiisa, in uu oggolaado in uu kala diro xubnaha barlamaanka, islamarkaana uu oggolaado in dalkiisa uu maxmiyad ahaan u hoos yimaado Jarmalka. Emil Hácha, waa uu oggolaadey codsigii Jarmalka. Subaxnimadii markuu waagu baryay ciidamdii Jarmalka waxay ka tallaabeen xuduuddii Czecho-slovakia. Waxay halkaas kula wareegeen taladii dalkaas, madax-waynihiina wuxuu noqdey nin ay Jarmalku hagaan. 16/ 3- 1939-kii Hitler wuxuu booqday magaalo-madaxdii Czecho-slovakia, halkaas oo qalcaddii Baraag (Prague Castle) uu kaga dhawaaqay in Czecho-slovakia ay noqotay laba gobo loo maxmiyad u ah Jarmalka. Magaca uu u bixiyayna wuxuu ahaa Protectorate of Bohemia and Moravia.

Dowladihii Yurub sidii ay qabsashadii Austria uga aamuseen ayay qabsashadii Czecho-slovakia–na uga aamuseen. Dowlad walba waxaa wal-wal ku haayay in ay isku dhacaan Jarmalka oo xilligaas ah dowlad car-car qabtay. Sidaa darteed ayaa heshiisyo nabadeed oo ah inaan leysku soo duulin waxay si gaar ah ula dhigteen Jarmalka. Dowladahaas ku hor-maray heshiiska nabadeed waxaa kamid ah Midowga Soofyeeti. Labada wasiir-dibadeed ee labada dal (Joachim von Ribbentrop iyo Vyacheslav Molotov), markay taariikhdu ahayd 23/ 8- 1939-kii waxay magaalada Moosko ku saxiixdeen heshiis nabadeed oo ah in labada dal ayan isku soo duulin. Islamarkaas uusan midkood u hiilin dal dagaal kula jira midka kale. Qaar kamid ah arimihii ay ku heshiiyeen oo qarsoodi ahaa ayaa waxay ku magacaabeen (German-Soviet Treaty of Rriendship, Cooperation and Demarcation). Qodobka sirta u ahaa wuxuu ahaa, iyaga oo ku heshiiyay in ay qeybsadaan degaanka bariga iyo waqooyiga ee qaaradda Yurub. Is-markaas ay dib u habeeyaan hannaankii siyaasadeed iyo xudduudihii degaanadaas.

Markii heshiisku dhacay, toddobaad kadib (1/ 9- 1939-kii), ciidamadii Jarmalka waxay galeen galbeedka dalka Poland. Bishii ugu horeyseyba waxay halkaas ka geysteen xasuuq aad u ba’an. Ciidankoodii cirka oo ka qeyb-qaatay xasuuqan ayaa waxay gubeen 30 degmo iyo tuulo, dadkoodiina ay ka dhigeen wax ay laayaan iyo wax ay qaxiyeen. Hoggaamiyihii dalka MS Joseph Stalin oo ka dhur-sugayay sida ay Jarmalku ka yeelaan qodobadii heshiiska, ayaa isna dhankiisa ka soo amray ciidamadiisii. Gobolladii bari ee Poland ayay iyaguna qabsadeen. Si uu u ilaashadu xuduuddiisa galbeed ayaa marka taariikhdu ahayd waxay boob ku qaateen bariga Poland markay taariikhdu ahayd 17/ 9- 1939-kii. Waxaa kaloo ugu xigey in uu weerar ku qabsado waddamada leysku yiraahdo Paltic States (Estonia, Latvia iyo Lithuania) iyo degaano kamid ah dalka Finland.

Shanta qaaradood waxa ka ridey qeyladiyo buuqa
Qunbuladahiyo sawaariikhda iyo qaraxa naabaalka
Waxa qamarka guud iyo hawada qalabka loo saarey
Waa quud nin heystiyo nin raba inuu ka qaataaye
Ama qaab gumeysigu bartiyo waa ququbo riixe (Dhoodaan)

Casharkii 20aad

February 10, 2012

Weerarkii uu Jarmalku ku qabsaday Poland wuxuu ku magacaabay Ololihii Sebtember (September Campaign). Waxaa ka qeyb-qaatay ciidan tiradiisu dhan yahay 1,500,000 oo ay weheliyaan 2,750 oo taangi iyo 2,315 oo dayuuradood. Markii uu weerarkaas bilowdey, qiyaastii laba toddobaad kadib (17/ 9- 1939-kii), waxaa dhanka bari ka soo weeraray dalka Poland ciidankii casaa (The Red Army) ee Midowga Soofyeeti, kuwaas oo dowladdoodu ay horey Jarmalka ula dhigatey heshiis ay ku qeybsadeen dalka Poland. Ciidan tiradiisu dhan yahay 500,000 ayaa dagaalka soo galay dhanka bari. Waxaa weheliyay 4,736 oo taangi iyo 3,300 oo dayuuradood. Inkasta oo ciidamadii Poland ay dagaalameen, misana tabar ay ku hor-joogsadaan ma ayan lahayn gulufkan xoogga wayn ee bari iyo galbeed uga yimid. Dad-waynihii reer Poland waxay markaas bilaabeen dagaal-jabhadeed, iyaga oo isla-markaas dhistey dowlad qarsoon. Hoggaankoodii wuxuu fariistey magaalada London.

Maalinta uu Jarmalku galay Poland, hoggaamiyihii Talyaaniga Benito Mussolini, wuxuu ku baaqay, afar cisho dabadeed (5/ 9- 1939) in leysugu yimaado wada-hadal nabadeed si qaaradda Yurub looga badbaadiyo dagaal-wayne ka dhaca. Laakiin Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa ka daba hadlay oo Jarmalka siiyey digniin kama danbeys ah. Waxay u qabteen wakhti gaaban oo ku eg 3/ 9- 1939-ka (markay saacaddu tahay 11:15 barqanimo) in uu kaga baxo dalka Poland. Markii uu wakhtigii dhacay, labadaas dowladood waxay ku baaqeen dagaal ka dhan ah Jarmalka. Labadan dal, inkasta oo ay arkayeen in ayan Jarmalka is-hureynin, misana markaas waxay tix-gelinayeen heshiis ay horey ula dhigteen dowladda Poland oo la xiriira, haddii midkood la soo weeraro in ay colaadda isga hiiliyaan. Heshiika Faransiiska iyo Poland (Franco-Polish Alliance) wuxuu dhacay 19/ 5- 1939-kii. Midka Ingiriiska iyo Poland (Polish-British Commom Defence Pact) ayaa isna wuxuu dhacay 25/ 8- 1939-kii.

Dalka Poland ma ayan laheyn awood ay kaga hor-tagaan xoogagga soo weeraray. Haddii ay is-dhiibaanna waxay ka cabsi qabeen in dalkooda la xalaaleysto oo sidii Austria oo kale, Faransiiska iyo Ingiriiska ay kula heshiiyaan Jarmalka. Sidaa darteed xooggii yaraa oo ay lahaayeen ayay ku mitideen in ay ku difaacdaan dalkooda. Ciidankii weerarka ahaa, muddo dhowr toddobaad ah ayay ku wiiqeen xooggii ciidanka Poland. 27/ 9- 1939-kii, ciidankii Jarmalka waxay qabsadeen degmada Warsaw oo ah magaalo-madaxdii Poland. Laba cisho dabadeed (29/ 9- 1939) Soofyeetiga iyo Jarmalka waxay ku heshiiyeen xuduuddii ay ku qeybsadeen dalkan ay ciiddiisii la wareegeen. Lix sano dagaal ah ayaa u bilowdey, kaas oo bartamihii 1945-kii ay ku adkaadeen xooggii xulufada iyo Soofyeetigii oo goor danbe ay colloobeen Jarmalka. Dadka ka dhintay Poland muddadii uu dagaalku socdey, lagama hayo tiro sax ah. Waxaase lagu qiyaasaa tiro ku dhow 5,000,000 oo qof. Waxay isugu jireen askar dagaalamaysey, kuwo jabhado ahaa, rayid ku dhintay dagaalka iyo dad la geeyey xeryo leysku ciqaabo.

Faransiiska iyo Ingiriiska, inkasta oo ay ku baaqeen colaad ka dhan ah Jarmalka, misana midkoodna ma hayn qorshe u diyaarsanaa oo ay ku weeraraan Jarmalka. Garabkii xulufada ee dowladihii Yurubta Galbeed waxaa wal-wal badan uu kaga yimid dhul-boobka Jarmalka iyo is-fitaaxinta maamulka Naasiga ah. 1/ 9- 1939-kii, markii uu Jarmalku qabsaday Poland, isla-maalintaas dalka Faransa waxaa looga dhawaaqay diyaar-garow buuxa ee dagaal. Laba cisho dabadeed dowladihii xulifada ahaa waxay ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Jarmalka. Dowladahaas oo markoodii hore ahaa Faransiis iyo Ingiriis, ayaa waxaa goor danbe ku biirey dowlado badan oo la garab noqdey. Ciidamada Faransiiska waxay ahaayeen kuwa iyaga xuduuddooda weerarka kaga bilaabay Jarmalka. 3/ 9- 1939-kii, Faransiisku waxay weerar ku qaadeen gobolka la yiraahdo Saarland ee ku yaal koonfur-galbeed dalka Jarmalka. Weerarkaas oo ay tuulooyin ku qabsadeen ayaa Faransiisku 12 km. oo keliya ay gudaha ugu galeen xuduudda Jarmalka.

Laba toddobaad ayay Jarmalkii ku qaadatay in ay Faransiiska ka soo saaraan xuduuddoodii. Faransiiskiina waa uu joojiyay in uu sii wado weerarkii uu Jarmalka la damacsanaa. Wuxuu xujo ka dhigtay, in xooggii iska-caabinta ee Poland la wiiqey. Taas waxay muujisay sida dowladihii xoogga lahaa ayan weli diyaar ugu ahayn dagaalka Jarmalka. Sidaas ayaa dagaalkii Yurub ka dhacay qeybtiisii hore wuxuu ku qaatay magaca ah Dagaalkii Bugta ahaa (Phony War).

Ingiriiska isaga oo dagaal ka carar ah ayuu wuxuu qorsheeyey, isaga oo aanan la dagaalamin Jarmalka misana in uu dhaawac u geysto. Sidaa darteed raggii caynaanka siyaasadda u hayay waxay ku fekereen in ay cuna-qabateeyaan gaadiidka badda ee u adeegaya xukuumadda Naasiga ah. Sida la ogsoon yahay dhulka Jarmalka waxaa badaha waawayn ku xira xeebaha uu ku leeyahay badda Baaltika, taas oo ah bad gudaha ku jirta. Bad-waynta Atlantika iyo badda Baaltika waxaa isku xira madiiqa Denmark (Denish Strait). (The Illustrated History of World War II. Owen Booth and John Walton. Chartwell Books, Inc. 1998. Pages 44 – 49).

Jarmalka qudhooda kama maqneyn fahamka ah in Ingiriisku uu ka cuna-qabateeyo xagga badda. Iyagu waxay si wanaagsan u garanayeen culeyska ay arintaas ku keeneyso mashruucooda dhul-boobka ah. Haddaba maamulkii Jarmalka si uu uga hor-tago cuna-qabateynta ay filayeen, waxay guddoonsadeen in ay weeraraan dowladaha Scandinavian-ka ee ku-yaal waqooyiga qaaradda Yurub. Saddexda dal oo magacaas wadaaga (Sweden, Norway iyo Denmark), inkasta oo dhamaantood ay ahaayeen kuwo dhexdhexaad ah, misana laba kamid ah, Jarmalkii kama uusan aqbalin dhex-dhexaadnimadii oo weerar ayuu ku qaadey. Norway waxay ka doonayeen xeebta dheer oo ay la leedahay bad-waynta Atlantika. Degmooyinka dekadaha leh ee ku yaal xeebaha galbeed ee dalka ayaa waxay ahayeen hanti uusan Jarmalku ka maarmain. Waxaa kaloo jiray waddo tariin ee isku xirta dhulka birta hodanka ku ah ee waqooyiga Sweden ee degmada Kiruna iyo degmada dekadda wayn leh ee la yiraahdo Narvik (waqooyiga Norway). Xilliga uu kuleyluhu jiro, hantidaas birta ah waxay ka dhooftaa dekadda ku taal degmada Luleå (Sweden) ee ku dhacda xeebta badda Baaltika. Xilliga qaboobaha oo baddaas ay barafka tahay, birta waxaa laga dhoofiyaa dekadda degmada Narvik, taas oo ku taal xeebta bad-waynta Atlantikada.

Jarmalku wuxuu u baahnaa hantida ceyriin ee birta ah, taas oo gudaha dalkiisa uusan ka heli karin. Qalabka ah Taangiyada, madaafiicda, qoryaha waawayn iyo kuwa yar-yar, tariinada iyo waddooyinkooda, baabuurta iyo maraakiibta waxay ahaayeen agabka uu ku duulaan tegayay. Birta uu ka sameynayay wuxuu markii hore ka soo dhoofsan jirey gobolka Lorraine ee Fransiiska, kaas oo birta hodan ku ah. Wixii ka danbeeyey sebtember 1939-kii, fursaddaasi waa ay joogsatay. Meesha keliya oo sida fudud uu bir uga heli karo waxay noqotay waqooyiga dalka Sweden (degmada Kiruna) oo ah degaan hodan ku ah birta, una dhexeysa labada dekad ee ah Luleå iyo Narvik. Dekadaha iyo baahida birta waxaa u weheliya oo Jarmalku uu ku doonayay weerarka dalalka Scandinavian-ka, in uu saldhig u helo ciidankiisa cirka. Wuxuu arintaas ku doonayay meel uu ka weeraro dalka Ingiriiska. Waddanka Denmark ayaa iyaduna waxay uga maarmi-waayeen degaanka ay ku taal oo ah dhulkii ay sii mari lahaayeen. Waa dal xuduud la leh Jarmalka, dhinaca kalena, xud biyo ah la leh Norway. Isla-markaas waxaa ku yaal madiiqa leysaga gudbo badda Baaltika iyo bad-waynta Atlantika.

Weerarka uu Jarmalku ku qaaday waddamada Scandinavian-ka wuxuu lahaa dhacdo hor-dhac u ahayd. Markii Ingiriisku ku baaqay colaadda Jarmalka, wuxuu cuna-qabatayn ku bilaabay maraakiibta Jarmalka ee ku gooshaya bad-waynta Atlantika. Isaga oo adeegsanaya booska istraateejiyadda ah ee dalkiisa uu ku yaal ayuu Ingiriisku wuxuu ciriiri geliyay maraakiibtii uu Jarmalku ku adeeganayay. Waxaa halkaas ka bilowdey dagaalkii La magic baxay Battle of Atlantic, kaas oo socdey muddado shan sanadood ka badan. Khasaaraha uu geystey waxaa lagu qiyaasay in ay ku dhinteen tiro ka badan 80,000 oo qof, kuwaas oo isugu jira ciidan iyo bad-maaxyo. Waxaa ku gubtay 3,500 oo maraakiibta ganacsiga ah. Waxaa kaloo ku gubtay 175 markab dagaal iyo 783 maraakiibta biyaha quusa. (White, David (2008). Bitter Ocean: The Battle of the Atlantic, 1939-1945. New York, United States: Simon & Schuster. p. 2.).

Weerarkii Scandinavian-ka waxaa hor-dhac u ahaa dhacdo kamid ah colaaddii Atlantka. Waxaa jiray markab dagaal oo Jarmalku leeyahay (Admiral Graf Spee), kaas oo koonfurta bad-waynta Atlantika ka ugaarta maraakiibta Ingiriiska. Wuxuu halkaas ku dejiyay maraakiib dhowr ah oo Ingiriisku leeyahay. Waxaa kaloo jiray markab kale oo kaas wax dejiyay la shaqeynayay oo isna la yiraahdo Altmark. Markabkan danbe ayaa wuxuu soo qaaday rag 299 ah oo Ingiriis u dhashay. Iyagu waxay ka badbaadeen maraakiibtii bad-waynta lagu dejiyay. Maxaabiis ahaan ayaa Jarmalku u soo qaatay. Si haddaba Altmark uu uga badbaado indhaha maraakiibta Ingiriiska, wuxuu u baxay dhanka waqooyi ee bad-waynta Atlantika. Halkaas ayuu kaga soo leexdey xeebaha dalka Norway.

Waxaa jiray doonyo yar-yar oo Ingiriisku leeyahay kuwaas oo ku howlanaa ilaalinta badda ku wajahan dalka Norway. Dayuurado uu Ingiriisku leeyahay ayaa waxay soo sheegeen in markab Jarmal leeyahay uu ku wajahan yahay xeebaha koonfureed ee Norway. Dabadeed basaasiintii Ingiriiska ayaa waxay heleen taarkii sirta ahaa oo markabkan uu kula xiriirayay xaruntii laga hagayay. Waxay markaas ogaadeen in markabku yahay Altmarka, maxaabiis Ingiriis ahna ay saran yihiin. Maraakiibtii Ingiriiska ee ilaalada ahayd waxay la soo hadleen Norway, iyaga oo ka codsanaysa in maxaabiista Ingiriiska ah ay ka soo deyso markabka Jarmalka. Norway waxay ku jawaabtey, in ay laba jeer baareen markabkan. Raad ciidan leeyahayna ayan ku arag. Sidaa darteed ay u oggolaadeen in uu biyahooda soo galo. Dowladdii Ingiriiska ayaa arinkii soo fara-gelisey. Kadib markii ay u sheegtey in ay si toos ah wax uga qabaneyso arinkaas ayay amartay in raxan ciidamadeed badda ah ay weeraraan Altmark.

16/ 2- 1940-kii, goor ay fiidnimadii tahay oo Altmark uu doonayay in uu baxsado ayaa ciidan Ingiriis ah ay weerareen. Markab kuwa dagaalka ah oo la yiraahdo HMS-Cossack iyo ciidan khaas ah oo saaran ayaa ka qeyb-qaatay dagaalkan. Arintaasina waxay ka danbeysey mar ay ka codsadeen in ciidamada Norway ay kala qeyb-qaataan weerarka, laakiin waa ay ka diideen. Dhowr saacadood ayay qaadatay in markabkii iyo maxaabiistii saareyd lagala wareego Jarmalka. Dhacdadaasi oo lagu magacaabo (Altmark Incidet) waxay Norway ku furtay xaraj siyaasadeed. Dowladdii Jarmalka waxay arintii u aragtay fursad ay ugu mar-marsiinyooto sidii ay ku weerari lahayd Norway. Waxay markaas sabab ka dhigtay, haddii ciidamadii xulufada ay xadka biyaheeda ku dagaalamayaan in dhex-dhexaadnimadii ay ka baxday.

Qorshaha weerarkan oo ay ku magacaabeen (Operation Weserübung) ayaa wuxuu ahaa mid horey loo dejiyay. Wuxuu ahaa weerarkii ugu horeeyey oo ciidamada Jarmalku ay qaadaan iyaga oo qeybihiisa ay wada socdaan (cir, dhul iyo bad). Maalinta uu weerarku bilaabanayay waxaa ka horeeyey ayaamo ay xabbado isku rideen ciidamada fadhiyay xuduudda Jarmalka iyo Denmark. 9/ 4- 1940-kii, danjirihii Jarmalka ahaa (Cecil von Renthe-Fink) ee fadhiyay Denmark wuxuu la kulmay wasiirkii dibadda ee Denmark (Peter Rochegune Munch). Markuu ka soo baxay 20 daqiiqo dabadeed, wuxuu sheegey in ciidamadii Jarmalka ay xuduudda soo tallaabeen iyaga oo doonaya in ay qabsadaan Denmark. Arintaasna wuxuu sabab uga dhigay in looga hor-tegayo weerar ay Faransiiska iyo Ingiriisku doonayaan in ay ku soo qaadaan dalkan. Isla-markaas danjiruhu wuxuu dhaleeceeyey weerarka iska-caabinta ah oo ay wadaan dad Denmarka u dhashay. Wuxuu u digey dowladda Denmark oo uu u sheegey in xagga circa laga duqeyn doono magaalo-madaxda Copenhagen, haddii ayan ciidamadooda xabbad-joojin sameyn.

Isla-maalintaas ayaa Jarmalku uu weeraray Denmark iyo Norway. Kadib markii ay ciidamadiisu ka yimaadeen xagga badda, cirka iyo dhulka, muddo lix saacadood ah ayay ku qabsadeen magaalo-madaxdii labada dal. Sidaa darteed dagaalkaas waxaa lagu tiriyaa kuwa ugu wakhtiga gaaban oo dal dibadda lagaga soo duuley misana lagu qabsaday. Arimaha u sahlay Jarmalka qabsashada labadan dal waxaa kamid ahaa, xogta uu ka hayay xaaladdooda, ciidanka circa oo si xooggan uga qeyb-qaatay iyo maraakiibta xowliga ku socda oo maalin ka hor gaarsiiyay ciidamo badan degmooyinkii xeebaha ku yiil ee fogaa.

Denmark waxay ka doonayeen in ay ka dhigtaan kaabad ay ku gaaraan Norway. Waxay bar-tilmaansadeen magaalooyinka waawayn ee dekadaha leh oo ay kamid yihiin Oslo, Trondheim, Kristiansand iyo Bergen. Dagaalkaas oo kedis ahaa ayaa wuxuu sahlay in Jarmalku ay si fudud u caga-dhigtaan degmooyinkii ay galeen. Gacanka Oslo (Oslofjord) oo degmada kaga yaal dhanka koonfur, wuxuu ahaa mid ay ciidamada ku aaseen miinooyin si ay u hakiyaan ciidamada Jarmalka ee badda ku imanaya. Arintaasi waxay sababtay in muddo laba saacadood ah ay magaalada dib uga dhacdo xilligii ay ku tala-galeen Jarmalku in ay ku qabsadaan. Saacadahaas ayaa waxay fursad u noqotay xubnihii dowladda iyo boqorkii (King Hakoon VII) in ay ku baxsadaan. Boqorkan ayaa horey u diidey in uu heshiis saaxiibtinimo la saxiixdo dowladda Naaziga ah. Laakiin boqorka Denmark (King Christian X), isagu saxiixii ayuu dhiibey, sidaas darteed wuxuu ku sugnaa magaalo-madaxda, illaa uu dalka ka xoroobey.

Ciidamadii labada dal waxay bilaabeen in ay isu habeeyaan qaab jabhadeed. Iyaga iyo dad-waynihii waxay bilaabeen weerar dhuumaaleysi ah oo ay kaga soo hor-jeedaan Naaziga. Shan sano oo cadaab ah ayaa u bilaabatay, taas oo ay dad badan ku hoobteen. Bishii may 1945-kii ayaa ciidamadii xulufada ay ku guuleysteen in ay si buuxa u xoreeyaan waddamada Scandinavian-ka.

Harka iyo habeenkiyo subxiga hiirta soconeysa
Waxaa dunida howsha ugu wacan haatan la ogaaye
Hawo soo siyaaddaa nafluhu haabo leeyahaye
Hadaftiyo habaas gulufka iyo hor isu qaad-qaadka
Hubka leysu doonanahayiyo soo-hayada yeeri
Sharta leysu hoosimahayaan lagu heshiineynin
Hud-hudkaasi wuxuu soo wadaa had iyo leysaane (Maxamuud Il-Dab)

Casharkii 21aad

February 29, 2012

Markii magaalo madax-dii Poland ay ku dhacday gacanta ciidamadii Jarmalka (27/ 9- 1939-kii), isla-maalintaas ayuu Hitler wuxuu jeneraalladiisii faray in ay dejiyaan qorshihii dagaalka la magac-baxay Fall Gelb. Waa dagaal qorshihiisu ahaa in uu ku qabsado dalka Faransa iyo dowladaha dhulka hooseeya ee leysku yiraahdo Low Land. Markaas wuxuu bilaabay, ciidamadii ka jiray jabhadda bari in uu si tar-tiib ah ugu soo daad-gureeyo jabhadda galbeed. Dhulka la yiraahdo Low Land waa dhulka ay ku yaaliin xeebaha galbeed ee qaaradda Yurub, kuwaas oo ku wajahan jasiiradda Ingiriiska. Waxaa dhulkaas ku dhamaada webiyada ah Rhine (dhererkiisu waa 1,230 km.), Scheldt (dhererkiisu waa 350 km.) iyo webiga Meuse (dhererkiisu waa 925 km.). Wuxuu dhulkaas degaan u yahay dowladaha Hooland, Baljam iyo Luxembourg. Jarmalka waxaa kuu khasbayay boobka dhulkaan, iyada oo degaankaasi uu yahay dhulkii uu u sii mari lahaa weerarka Faransiiska iyo Ingiriiska.

Dabayaaqadii bishii sebtember 1939-kii, Hitler wuxuu u xil-saaray qorshaha weerarkan Jeneraal Franz Halder. Sarkaalkan iyo kooxdiisii waxay qaateen qorshe lagu magacaabo Schlieffen Plan, kaas oo uu dagaalkii I-aad dejiyay Jeneraal Alfred von Schlieffen oo xilligaas ahaa taliyaha ciidanka Jarmalka. Schlieffen Plan, wuxuu ahaa qorshe-dagaal oo mar qura lagu weerarayo Midowga Soofyeeti iyo Faransa. Jeneraalkii lahaa naqshaddan wuxuu dhintey iyada oo aan la fulin qorshihii. Laakiin naqshaddii keyd ayay u noqotey wasaaraddii hubka iyo rasaasta (Minister for Armaments and Ammunition) ee Jarmalka. Dabayaaqadii oktoober, Hitler wuxuu howshii ku wareejiyay sarkaal kale oo la yiraahdo Jeneral Erich von Manstein. Qorshihii hore oo uu wax ka beddeley ayaa lagu duulaan-tegey. Qorshahan cusub (Manstein Plan), waxaa loogu magac daray sarkaalka naqshadda lahaa.

Ingiriiska iyo Faransiiska horey diyaar uguma ayan ahayn in ay dagaal la galaan Jarmalka. Laakiin markii Jarmalku uu u muuqdey mid siyaasaddiisu ay ku dhisan tahay damac dhul-boob ah, waxay bilaabeen in ay dad-waynihii abaabulaan si ay uga qeyb-qaataan dagaal xooggan oo ku soo food leh. Ingiriiska waxaa uu isku deyey, Holand iyo Baljam oo ahaa waddamo dhex-dhexaad ah, in uu ku dhiiri-geliyo in qudhoodu ay cadeystaan colaadda Jarmalka, isaga oo u tusiyay in ayan is-hureynin. Laakiin labadaas dal waa ay ka diideen oo dhex-dhexaadkoodii ayay ku adkeysteen. Waxay filayeen in Jarmalka uu ku xushmeynayo siyaasadda dhex-dhexaadnimada. Dhanka dowladda Faransiiska, waxaa u muuqatey, colaadda Jarmalka in uu gacan kaga helayo dowladahan saddexda ah ee kula teedan xuduudda galbeed ee Jarmalka. Waddamadan (Holand, Baljam iyo Luxembourg) ayaa Faransiiska wuxuu qorsheynayay, iyaga oo xulufo ah in ay weerar ku qaadaan Jarmalka kuleylaha 1940-ka.

Weerarka uu qorsheynayay ka sokow, Faransiiska waxaa u degsanaa qorshe difaac difaac ee uu ku magacaabay Dyle Plan. Waxaa dejiyay Jeneraal Maurice Gustave Gamelin. Waxaa lagu saleeyey aragti ah in Jarmalka uusan weerar toos ah la beegsaneyn waddamada Holand, Baljam iyo Luxembourg. Bal uu si toos ah u soo weerarayo xuduudda dalka Faransiiska. Iyagu waxay sidaas ugu maleeyeen in Jarmalku uu xaq-dhowrayo siyaasadda dowladahaas ee dhex-dhexaadka ah. Sidaas darteed tan iyo dagaalkii I-aad dabadiis, meelo dalkiisa kamid ah eek u wajahan xuduudda Jarmalka ayaa waxay ka dhisayeen dhismayaal difaac ah. Waxay isugu jireen godad iyo taagag adag. Waxaa halkaas ay dhigeen hub, saanad iyo agab dagaal oo culus. Dhismayaashaas oo lagu magacaabay Maginot Line, ayaa waxay ahaayeen kuwo goo-goos ah oo ku yaal meelaha ku wajahan xadka ay la lahaayeen Jarmalka. Waxay ka koobnaayeen 103 dhismayaal oo dhufeesyo ah. Waxaa halkaas ku sugnaa ciidanka cagta Faransiiska qeybta 55-aad. Iyagu waxay ka koobnaayeen saddex ciidan (213-aad, 295-aad iyo 331-aad). Waxaa weheliyay ciidanka 11-aad ee teknikada ah, guutada 64-aad ee sahanka, iyo ciidanka 45-aad ee madaafiicda goobta.

Ingiriiska dhankiisa wuxuu bilaabay in uu ciidan xooggan keeno dalka Faransiiska si ay isu cududeystaan. Maalintii Poland la qabsadey dabadeed, muddo shan toddobaad ah ayaa Ingiriisku waxay ku daad-gureeyeen ciidan gaaraya 158.000 oo nin oo kamid ah BEF (British Expeditionary Force). Ciidankaas waxaa laga tallaabiyay kanaalka la yiraahdo English Channel, kaas oo biyihiisu ay yihiin gacan kamid ah bad-waynta Atlantikada. Kanaalku wuxuu u dhexeeyaa ciidda koonfurta Ingiriiska iyo waqooyiga Faransa. Tan iyo bartamihii bishii may 1940-kii, ciidankaas waxay ku sugnaayeen waqooyiga Faransa meel ku beegan xuduudda u dhexeysa Baljam iyo Faransa.

Dhowr maalmood ka hor intuusan dagaalku bilaaban, Jarmalku ciidamo xooggan ayay ku soo urursheen dhulka howdka ah ee ku yaal xuduuddeeda galbeed. Galabnimadii ay taariikhdu ahayd 10/ 5- 1940-kii, ciidamadii Jarmalka waxay weerar xooggan ku qaadeen waddamada saddexda ah ee Baljam, Holand iyo Luxembourg. Ciidamada halkaas weeraray ayaa waxay ahaayeen ciidanka 6-aad oo iyagu weeraray waqooyiga Baljam. Ciidanka 2-aad, ciidanka 4-aad iyo ciidanka 12-aad, iyagu waxay weerareen bartamaha Baljam. Ciidanka 16-aad iyo ciidanka 1-aad iyaguna waxay weerareen koonfurta Baljam, gaar ahaan degaanka uu maro xuduudda uu dalku la leeyahay Faransiiska. Xilligaas ay colaaddu bilaabaneysey, is barbar-dhigga labada ciidan ay colaaddu ka dhexeysey wuxuu ahaa sidaan:

Haddaanu ku hor-marno ciidankii xulufada, Faransiiska ayaa wuxuu lahaa ciidan xooggiisu yahay 5.500.000 oo nin. Waxaa xuduudda ka joogay 2.240.000. Taangiyada iyo gawaarida gaashaaman oo ay lahaayeen waxay dhamaayeen 4.111. Waxaa xuduudda ka joogay 3.254. Dayuuradahoodu waxay ahaayeen 3.097. Waxaa xuduudda ka joogay 879. Dowladda Baljam waxay lahayd ciidan dhan 640.000 oo nin. Dhamaantood xuduudda ayay joogeen. Taangiyada iyo gawaarida gaashaaman oo ay lahaayeen waxay dhamaayeen 270, kuwaas oo dhamaantood xuduudda joogey. Dayuuradahoodu waxay ahaayeen 140.

Waxaa dagaalka ka qeyb-qaatay 118. Dowladda Holand ayaa iyaguna ciidankoodu wuxuu ahaa 40.000 oo nin. Dhamaantood xuduudda ayay joogeen. Taangiyadoodu waxay ahaayeen 40, kuwaas oo dhamaan xuduudda joogay. Dayuuradahoodu waxay ahaayeen 82. Waxaa dagaalka ka qeyb-galay 72 kamid ah. Ingiriiska ayaa isaguna wuxuu lahaa ciidan tiradiisu dhan tahay 1.600.000 oo nin. Waxaa xuduudda ka joogay 500.000. Taangiyada uu ku dagaal-galay tiradoodu waxay dhamaayeen 640 taangi. Tirada dayuuradaha uu lahaa waxay ahaayeen 1150. Waxaa dagaalka ka qeyb-galay 384. Dowladda weerarka ahayd ee Jarmalka, markaas waxaa cudud u ahaa ciidan tiradiisu tahay 4.200.000. Waxaa dagaalkan ka qeyb-galay 3.000.000 oo kamid ah ciidankaas. Taangiyada dagaalkan uu ku galay waxay ahaayeen 2.773. Waxaa kaloo uu lahaa 3578 oo dayuuradood, kuwaas oo 2589 oo kamid ah ay ka qeyb-qaateen dagaalkan. (Zetterling, Niklas; Söderlind Stig (2008). Blixtkrig!: 1939-1941. p. 147 Stockholm – Sweden).

Ciidanka Jarmalka ee weerarka bilowga ah qaaday waxay ahaayeen saddex qeybood (A, B iyo C), kuwaas oo mid walba uu ka koobnaa qiyaas 300.000 oo nin. Qeybta C, waxaa hoggaaminayay Jeneraal Wilhelm Ritter von Leeb. Xilligii la weerarayay Poland, ciidankan waxay ilaalinayeen xuduudda uu Jarmalku la leeyahay Faransa. Markii uu bilowdey weerarka Faransiiska, ciidankan waxay ahaayeen ciidan loogu tala-galay in ay mashquuliyaan ciidamada Faransiiska ee difaaca ku ah khadda Magnilot. Ciidankan Jarmalka ah ma ayan heysan wax tekniko ah oo ay weerar xooggan ku qaadaan.

Ciidanka B wuxuu waajibkoodu ahaa in ay qabtaan waddamada Baljam iyo Holand. Sidaa darteed ayaa labada ciidan ee ku kala wajahan labada dal waxay kala ahaayeen ciidanka 18-aad iyo 6-aad. Kan 18-aad wuxuu weeraray Holand. Iyagu waxay ahaayeen ciidan cag, waxaana hoggaaminayay Jeneraal Georg von Küchler. Waxaa la socdey ciidan ah laba qeyb oo taangiyo ku socda. Ciidanka 6-aad iyagu waxay weerareen dalka Baljam. Dhamaantood waxay ahaayeen ciidan tekniko ah. Waxaa hoggaaminayay Jeneraal Walter von Reichenau. Ciidankan ayaa waxay ahaayeen kuwo ku wajahan barta ugu muhimsan oo Jarmalku uu isha ku hayay oo ahayd xuduudda u dhexeysa Baljam iyo Faransa. Ujeeddadu waxay ahayd in uu kala jaro isu-gurmadka ciidamada labada dal.

Ciidanka A oo ahaa ciidanka ugu cuslaa oo weerarka qaaday, waxay ku wajahnaayeen waqooyiga Faransa. Waxaa waajibkooda ahaa in ay bur-buriyaan difaaca adag oo Faransiisku uu halkaas dhigay iyo in ay Faransa ka jaraan waddamada uu dhanka waqooyi kala leeyahay xuduudda. Ciidankan waxay ka koobnaayeen saddex qeybood. Waxay ahaayeen ciidanka 4-aad oo uu hoggaaminayay Jeneraal Günther von Kluge, ciidanka 12-aad oo uu hoggaaminayay Jeneraal Siegmund Wilhelm List iyo ciidanka 16-aad oo uu hoggaaminayay Jeneraal Ernst Busch.

Fiidnimadii ay taariikhdu ahayd 9/ 5- 1940-kii, ciidamadii Jarmalka waxay weerar ku qabsadeen dalka Luxembourg. Waa dal yar (2,586.4 km2) oo xuduud la leh Jarmal, Baljam iyo Faransa. Xoog iska-caabin ah oo ciidamadii Jarmalka ka hor-yimid ma uusan jirin. Weerarkii Luxembourg dabadeed, waxaa dhaqaaqay ciidankii B oo iyagu weerar ku qaaday xuduudda waddamada Holand iyo Baljam. Subixii ay taariikhdu ahayd 10/ 5- 1940-kii, ciidanka 7-aad iyo ciidanka 22-aad, qeybahooda dallaayadda ku booda (paratroopers), iyaga oo dayuurado lagu soo daad-gureeyay ayaa waxaa lagu daadiyay degmada Haag iyo waddada isku xirta Haag iyo degmada dekadda ah Rotterdam. Waxaa kaloo qeyb ciidankan kamid ah lagu daadiyay agagaarka dhufeyska la yiraahdo Eben-Emael ee ka dhisan xuduudda u dhexeysa Baljam iyo Holand. Waxay arintaan kaga hor-tegayeen khasaaraha kaga iman kara ciidamadooda, dabiicadda cimilada dhulka ee qallafsan. Weerarka qabsaday dhufeyska Eben-Emael wuxuu sahlay in ciidamadii Jarmalka ee aagagga kale ka howl-galay ay si sahlan u dhaqaaqaan. Ciidamadii Faransiiska iyo Ingiriiska, waxay ku joogeen qorshahoodii difaaca ahaa.

Fiidnimadii uu dagaalku bilowdey, ciidamadii Holand dib ayay u riixeen Jarmalkii. Laakiin aagag kala duwan ayaa waxaa ku soo degey ciidamo badan oo kuwa dalladaha ku soo booda ah. Dagaallo kedis ah ayay ku qaadeen aagaggii ay fariisimaha ku lahaayeen ciidamada Holand. Weerarka dhacay habeenkaas hore, Jarmalku waxay ku bur-buriyeen kala-bar dayuuradihii dagaalka ee Holand. Dagaal culus oo laba cisho socdey ayaa wuxuu sababay ciidankii Jarmalka in ay si buuxda u jebiyaan ciidamadii Holand ee ka hor-taagnaa qabsashada degmada Rotterdam. Ciidankii jabay iyo saraakiishoodii waxay ku yaaceen degmada gudaheedii. Saraakiishii Jarmalka uma muuqan in ay degmada ku qabsadaan qaab cunaqabateyn. Bal waxay doorteen in ay ku qaadaan weerar xagga cirka ah oo ay ku han-jebiyaan dowladnimada Holand, kuna curyaamiyaan awoodda ciidankeeda.

14/ 5- 1940-kii markay saacaddu ahayd 1:20 duhurnimo ayaa weerar xoog wayn oo xagga cirka ah waxaa ku bilowdey degmada Rotterdam. Magaaladu waxay ahayd degaanka ugu wershadaha badan, isla-markaas waxay ahayd xarun istraateeji u ah mashruucii dagaalka ee Jarmalka. 90 dayuuradood ayaa ka qeyb-qaatey duqeyntii degmada. Natiijadii weerarkaas wuxuu noqdey in degmadii dhulka lala ekeysiiyo. Tirada dadka ku dhintey weerarkaas waxay ku dhow-yihiin 900 oo qof. Waxaa ku bur-burey 24,978 aqal oo la degganaa, 2,320 oo meheradood, 775 oo bakhaaro ah iyo 26 dugsi. Dadka ku gurya-beeley waxay ahaayeen 70,000 oo qof. Intaas waxaa weheliya hoos u-dhac ku yimid hooshaarkii dowladnimo magaaladu ay astaan u ahayd. Ciidankii dalka waa ay awoodi waayeen in ay la tacaamulaan shiddada intaas le’eg. Gaar ahaan Jarmalkii ayaa ku baaqay in uu degmooyinka kale uu iyagana bur-burinayo. Dowladdii Holland waxaa u muuqday in badbaadada dadkeedu uu ku jiro in ay is-dhiibaan. 15/ 5- 1940-kii markay saacaddu ahayd 11:00, ciidamadii Holand waxay ku dhawaaqeen in ay hub-dhigid.

Dhanka Baljam, shiddada qabsatay maahayn mid ka yar labada dal ee weerarku ka dhacay (Holand iyo Luxembourg). Naqshaddii weerarka ee dalkaas waxay ahayd mid ku mataaneysan naqshadihii lagu weeraray labadaas dal ee kale. Weerarka ciidamadii Naasiga, xooggiisu wuxuu ahaa xagga cirka oo ay ku gacan-sareeyeen. Gacan-sareynta waxay siisay fursad ay ku curyaamiyaan difaacii Baljam. Garaacid xagga cirka ah ayuu weerarka ku bilowday, taas oo lala beeganayay meelaha muhimka ah oo laga dhaawici karo howl-gallada ciidamada Baljam. Dhufeyska la yiraahdo Eben-Emael ee ku yiil meel u dhow xuduudda labada dal ayaa kamid ah meelaha uu qabsaday weerarkii hore. Inkasta oo kooxdii weerartay dhufeyska ay dab xooggan qabadsiiyeen, misana ciidamadii Naasiga ahaa uma suuragelin in habeenkaas ay u dhaadhacaan dhufeyska gudihiisa. Maalin dabadeed, ciidankii Jarmalka waxaa soo xoojiyay ciidan dallaayadley ah oo ka tirsan ciidanka cagta. Jawaasiis ay adeegsadeen iyo cududdii xooganeyd oo ay ku soo weerartameen ayaa ciidankii Jarmalka waxay u suuragelisey in ay ku qabsadaan dhufeyskaas muhimka ah. (Dunstan, Simon (2005). Fort Eben Emael: The Key to Hitler’s Victory in the West. Osprey. pp. 45-55).

Isla-habeenkaas weerarku bilowdey, ciidamo tira-badan oo ah kuwa dalladaha ku-booda ayaa waxaa lagu daadiyay meelo kamid ah bartamaha dalka Baljam. Gaar ahaan meelaha ay ka dhisnaayeen kaabadaha badan ee ku yaal kanaalka la yiraahdo Albert-Canal. Waxaa kaloo xagga cirka laga weeraray garoomadii ay dayuuraduhu u fadhiyeen. Muddo 24 saacadood ah, waxaa lagu bur-buriyay 83 dayuuradood oo kamid ahaa 179-ka dayuuradood oo Baljamku ay lahaayeen. Sidaas oo ay tahay ciidamadii cagta ee Jarmalka, deg-degtii ay filayeen kuma ayan helin guul. Waxaa hakiyay ciidamadii Faransiiska oo si deg-deg badan xuduudda uga soo tallaabay iyaga oo gurmad ah iyo dhufeesyo adag oo Baljamku ay ku lahaayeen kanaalka Albert-Canaal.

Habeenkii u dhexeeyey 11-kii iyo 12-kii bisha, ciidamadii Baljam waxay sameeyeen xeelad dib u-gurasho ah. Subaxdii ay taariikhdu ahayd 12/ 5- 1940-kii, boqorkii Baljam Leopold-III wuxuu fadhi la qaatay saraakiishii sare ee ciidamada. Waxay guddoonsadeen in ciidamada Baljam ay isugu keenaan difaaca waddada tariinka ee isku xira labada degmo ee ah Antwerp (waqooyiga) iyo Leuven (bartamaha). Dhanka koonfur iyo xagasha waqooyi galbeed in ay u daayaan ciidamada ay xulufada yihiin ee ah Faransiis iyo Ingiriis. Qeybo kale oo kamid ah ciidanka Baljam waxaa loo diray in ay gadaal ka maraan ciidamada weerarka ah, si ay u dhaawacaan saadka uga imanaya dalkooda. Waxaa markaas bartamaha Baljam ka bilowdey dagaal xooggan oo laba maalmood socdey. Inkasta oo dagaal mitidnimo ah ay galeen ciidamadii Baljam, misana tayo ayaa lagu maquuniyay oo waa la jebiyay. Ciidamadii Baljam waxaa ay bilaabeen weerar jabhadeyn ah. Inkasta oo uu ahaa mid taag-daran, misana waxay dhaawac u geysteen isu-socodkii ciidanka Jarmalka. Tasaina waxay ka danbeysey markii ay bur-buriyeen kaabadihii muhimka ahaa ee dalka ku yiil.

Gacan-sareyntii cirka ayaa Jarmalka waxay ugu-danbeyn siisay in ay jebiyaan ciidamadii xulufada. 17/ 5- 1940-kii Brussels waxay ku dhacday gacantii Jarmalka. 28/ 5- 1940-kii boqorkii Baljam (Leopold III) wuxuu isu dhiibey ciidamadii Naasiga. Xubnihii dowladda oo uu kamid ayahy ra’iisul-wasaarihii Hubert Pierlot waxay u qaxeen dalka Ingiriiska. Inteeyan ciidamadii Ingiriiska ayan soo gaarin, Jarmalkii meelo badan oo kanaalka kamid ah waxay ka dhisteen kaabadaha biyaha dul saran oo ciidamadu ay adeegsadaan. Taasina waxay u sahashay isu-socodkii iyo taakuladii ciidamadooda.

Waxaa xusid mudan galabta uu Jarmalku qaadey weerarka jahada galbeed (10/ 5- 1940-kii), isla-galabtaas waxaa is-casilay ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska Neville Chamberlain (1869-1940). Sababtu waxay ahayd, fashilaad ay siyaasaddiisii ku keentey in Jarmalku ay la wareegaan waddamada Scandinavia, ayaa waxaa ugu darsoomay weerarkan cusub oo u muuqday, waddamada Yurubta galbeed intii ka hartay in ay gacanta u gelayaan maamulka Naasiga. Waxaa la wareegey xilkii dowladda Winstone Churchill (1874-1965). 13/ 10- 1940-kii, iyada oo uu dabkii ka hurayo xudduudaha galbeed ee qaaradda Yurub ayaa Winston Churchill uu barlamaankii Ingiriiska ka jeediyey khudbaddiisii ugu horeeysey. Hadalkiisii waxaa kamid ahaa sidan: “ Mahayo wax aan idin hor-dhigo aan ka ahayn dhiig, tacab, illin iyo dhidid ………..… Waxaad is-weydiineysaan muxuu yahay hadafkayagu ?. Waxaan kaga jawaabi-karaa hal erey: Wuxuu yahay guul. Guul qiimo kasta oo ay ku kacdo, guul argagax kasta oo jira, guul si kasta oo ay suuragal u tahay in waddadu ay dheer-tahay oo adag-tahay. Maxaa yeeley, guul la’aanteed ma aan noolaan karno “. (www.school-for-champions.com/speeches/churchill_blood_sweat.htm).

Qabowga iyo nabaduu jeclaa yaa la qoonsadaye
Qaribaadda duulkii lahaa qado mahaystaane
Waa qaran-bax gaalada ninkii u quwad roonaaye
Jarmalkii qasaaraha jeclaa qaaday dunidiiye
Ka quusay qooriga Suweys qabashadiisiiye
Maraakiib qafilan baa bad-wayn looga soo qaxaye
Qabar sheegadkii iyo lawaa loo qodhlayn jiraye
Raaciyo haddey qaabileen qalab la’aaneede (Maxamad Cumar Dage)

Casharkii 22aad

March 27, 2012

Sida aanu soo xusney habeenka uu bilowdey qorshihii weerarkii ku magacawnaa Fall Gelb (10/ 5- 1940-kii), isla-habeenkaas ayaa la doortey ra’iisul-wasaarihii cusbaa ee Ingiriiska Winston Chuechill. Saacado dabadeed wuxuu magacaabay xubnaha dowladdiisii, isaga oo isla-markaas saxiixey, ciidamada cirka ee Ingiriiska, marka ugu horeysa oo ay fursaddu u saamaxdo in ay si buuxda u duqeeyaan magaalo-madaxda Jarmalka Berliin si ay u bur-buriyaan awooddiisa. Jarmalka oo ahaa dowladda weerarka ahayd ayaa mashruucooda dagaal ee Fall Gelb, wuxuu ahaa mid uu ku doonayay in uu ku qabsado afar dal. Dabadeedna uu ku weeraro Ingiriiska. Saddex kamid ah afartii dal si fudud ayuu ku qabsadey, kadib markii uu ku qaaday dagaal u dhacay sidii biriqda oo kale (Lightining War), kaas oo uu kaga fogaanayay dagaal wakhti dheer qaata oo kharaj badan kaga baxa. Qorshahaas ayaa wuxuu u suurageliyay, muddo ayaamo ah in uu ku qabsado saddex kamid ah afartii dal ee uu weeraray. Iyagu waxay ahaayeen Luxembourg, Holand iyo Beljam.

Dowladaha xulufada ah si buuxda ayay ula socdeen ciidamada boqollaalka kun ahaa oo Jarmalku uu soo dhoobayay xudduuddahooda. Waxaa u caddaa in qorshaha ciidamadaas uu yahay dagaal dhul-boob ah oo uu ku doonayo in uu ku qabsado degaankooda. Beljamku waxay maleynayeen in weerarka hore uu qabsanayo Faransa iyo dhul-xeebeedka ay dhanka galbeed kala deriska tahay Ingiriiska. Waxaa kaloo ay maleynayeen, qorshaha dagaalka ee bilowga ah ciidanka cirka ee Jarmalka in ay xagga cirka ka duqeynayaan Ingiriiska. Faransiiska ayaa iyaguna waxay difaac adag dhigteen xuduudda dheer ee oo ay la wadaagaan Jarmalka. Sida aanu soo xusney dhismayaalka khadda Maginot Line ayaa wuxuu ahaa dhufeys sanooyin badan laga shaqeynayay. Ciidamada halkaas la dhigey waxay ahaayeen ….. . Waxaa weheliyay ciidan ka kooban saddex qeybood oo tekniko ah. Laakiin cilladda soo baxday ayaa waxay ahayd iyada oo dhererka khadda dhismayaalkan difaaca ah uu yahay 140 km. oo keliya. Islamarkaasna ma gaarsiisna xuduudda waqooyi ee u dhexeysa Farans iyo Beljam.

Waxaa kale oo difaaca Faransiiska raja-gelinayay dhulka cimiladiisu qallafsan tahay ee u dhexeeya labada dal. Taliyihii ciidamada Farans xilligaas Jeneraal Maurice Gamelin, iyo saraakiishiisii sar-sare waxaa ay qabeen in Jarmalku ay ku adkaaneyso weerarka uu ku soo qaadayo xuduudda u dhexeysa isaga iyo Faransiiska. Iyagu waxay filayeen, Howdka Ardennes (Ardennes Forest) in uu yahay caqabad hakineysa socodka taangiyada badan oo Jarmalku ay ku weerartamayaan. Howdkaasi waa dhul leh togag iyo taagag ah buuro dhaadheer, islamarkaana leh dhir badan oo keyn ah. Dhulkaas oo lagu magacaabo Howdka Ardennes (Ardennes Forest) waa dhul ballaaran oo u dhexeeya Faransa iyo Jarmal. Waxaa kaloo dhul-howdkaas uu gaarsiisan yahay xuduudda Jarmalku la leeyahay Luxembourg iyo Beljam.

Waxaa weheliyay difaaca dhanka waqooyi oo isugu jiray difaaca ciidamada Beljam ay dhulkooda ku leeyihiin iyo fariisimaha ciidamada Ingiriiska ay ku leeyihiin degmada Danshirk (Dunkirk) ee waqooyiga Faransa. Labadaas difaac (galbeed iyo waqooyi) ee ku weegaaran xuduudda Faransa galbeed iyo waqooyi ayaa waxay ahaayeen kuwa xoojinayay aragtida difaac oo saraakiisha Faransiisku ay ku magacaabeen (Dyle Plan). Habeenka uu bilowdey weerarka ay ku gacan-galeen waddamada saddexda ah eek u yaal galbeedka Jarmalka, isla-habeenkaas ayaa waxaa bilowdey weerarka uu ku qaaday dowladda Afaraad ee ahayd Faransa, taas oo ay Jarmalku wadaagaan xuduud ka dheer xudduudaha uu la leeyahay waddamadaas kale. Jarmalku wuxuu markiisii hore ku dadaaley in uu ka fogaado khasaaraha ka iman kara weerarka uu la beegsado difaaca adag ee galbeedka Faransiiska kaas oo uu u sii marayo dhul cimiladiisu ay qallafsan tahay. Sidaa darteed xoogga weerarkiisa wuxuu la beegsadey in uu legdan-boob ku qabsado dalka Beljam ee ku yaal xuduudda waqooyi ee Faransa, markaas dabadeed uu u soo tallaabo xuduudda waqooyi ee Faransiiska. Waxaa halkaas ku yaal saldhiggii ciidamada Ingiriiska ee degmada Dunkirk.

Jeneraal Maurice Gamelin oo ahaa taliyihii ciidamada Faransiiska, si buuxda ayuu u helayay ogaallada colaadda ay Jarmalku damacsanaayeen iyo qorshe-weerarkooda. Misana wuxuu go’aankiisu ahaa in uu sugto inta uu falku bilaabanayo si markaas uu u qaado tallaabada fal-celiska ah. Markii Jarmalku ay soo weerareen dalka Beljam ee ku yaal waqooyiga dalka Faransa, Jeneraal Maurice Gamelin, wuxuu bilaabay in uu xuduudda waqooyi ka howl-geliyo 40 qeybood oo ciidamo ah. Kuwaas oo ay ku jiraan ciidamadii Ingiriiska ee halkaas ku sugnaa BEF (British Expeditionary Force). Ciidankaas ayaa waxay markaas si buuxda uga mid noqdeen qorshihii difaaca ee Faransiiska (Dyle Plan).

Ciidamada Jarmalka, weeerarka ay Farnsiisku ku soo qaadeen wuxuu ka bilowdey waqooyiga oo ah dhanka xuduudda Beljam. Dhowrkii maalmood ee ugu horeeyey, weerarku wuxuu ahaa mid xooggan oo dhanka cirka ah. Dabadeed dayuuradaha Jarmalka waxay bilaabeen in ay bar-tilmaansadaan aagagga uu dagaalku ka socdo, gaar ahaan kuwa ay ku xoog badan yihiin ciidamada cagta ee Xulufada. Ujeeddadu waxay ahayd in ay kaalmeeyaan weerarka ciidamada Jarmalka. Dharbaaxooyin xooggan oo argagax badan ayaa Faransiiskii ku dhacay. Waxaa markaas xagga dhulka ka soo weerary ciidankii B ee Jarmalka ahaa ee uu hoggaaminayay Jeneraal Gerd von Rundstedt. Waxay markaas ka koobnaayeen 45 qeybood oo ciidan ah. Ciidamadii Faransiiska iyo Ingiriiska ee ku sugnaa xuduudda waqooyi, iyaga oo ka cabsi qaba in la hareereeyo ayay dib u gurteen. Maalinta uu weerarku bilowdey (10/ 5- 1940-kii) maantii xigtey, dagaalku wuxuu u soo tallaabay gudaha xuduuddii Faransa.

Ciidanka B ee Jarmalka, oo uu hoggaaminayay Jeneraal Fedor von Bock, waajibkoodu wuxuu ahaa in ay u soo tallaabaan dhulka uu maro webiga Meuse ee waqooyiga Faransa. Ciidankaas ayaa wuxuu ka koobnaa 29 qeybood oo saddex kamid ah ay tekniko ahaayeen. Waxaa la dirirayay ciidanka 1-aad iyo ciidanka 9-aad ee Faransa. Iyagu waxay daadsanaayeen dalka Beljam gudihiisa, gaar ahaan dhulka u dhexeeya degmada Wavre ee ku taal bartamaha iyo degmada Givet ee ku taal xuduudda Faransa. Difaacaas ayaa wuxuu ku jabay muddo ka gaaban intii la filayay inay ku jabaan. Kadib markii dagaalkii uu u soo dhaadhacay xuduudda Faransa gudaheeda, ayaa 13/ 5- 1940-kii, ciidamadii Faransiiska waxaa lagu dirqiyay in ay dhanka koonfureed uga tallaabaan webiga Meuse. Faransiisku waxay markaas bur-buriyeen dhamaan wixii kaabado ahaa oo looga tallaabayay webigan. Mid qura ayay reebeen oo ahayd kaabaddii ugu weyneed ee webigaas dul-marta. 60 km. ayay u jirtaa degmada xuduudda ku taal ee la yiraahdo Sedan. Ugu danbeyntii kaabaddan ayaa waxay ku dhacdey gacanta Jarmalka.

Dib u-gurashada ciidamada Faransiiska waxay sahashay taangiyadii Jarmalka in ay si nabad ah ugu soo qul-qulaan xuduudda Faransa. Ninka la yiraahdo Jeneraal Heinz Wilhelm Guderian, ayaa xilligaas ahaa taliyihii ciidanka taangiyada ee weerarka lagu galay. 14/ 5- 1940-kii, ciidamadii Nazi-ga waxay soo gaareen aagaggii hore fariisimihii ciidankii Ingiriiska ee BEF (British Expeditionary Force) ee fadhiyay degmada Danshirk (Dunkirk). Maantaas waxaa bilowdey dagaalkii ugu horeeyey ee labada ciidan ay isu food-saaraan Faransa gudaheeda. 17/ 5- 1940-kii Jarmalkii waxay qabsadeen magaalada Abbeville ee ku taal xeebta waqooyi-bari ee Faransiiska. Degmada Dunkirk inkasta oo ay tahay mid yar, misana sida aanu soo xusney ahmiyadda ay lahayd waxay tahay iyada oo ay fadhiyeen ciidamo tira-badan oo Ingiriis ah (EBF).

Jeneraal Charles de Gaulle wuxuu xilligaas hoggaaminayay qeyb kamid ah saddex qeybood oo ciidan ku dagaalamayay tekniko, kuwaas oo ka howl-galay waqooyiga Faransa. Isagu wuxuu ahaa sarkaalka keliya ee xilligaas Jarmalka ku soo qaadey weerar rogaal-celis ah. Isaga oo hor-kacaya 200 oo taangi ayuu 17/ 5- 1940-kii wuxuu weeraray kaabaddii weyneed ee ku tiil webigii laga qabsadey Faransiiska (Meuse River). Taangiyada uu Faransiisku ku dagaalamayay xilligaas (Char B-1 iyo Somua) waxay ahaayeen kuwo ka tayo wanaagsan kuwii uu Jarmalku watay (Panzerkampfwagen I iyo Panzerkampfwagen II). Sidaa darteed markii ay fool ka fool isaga hor-yimaadaan waxaa xoogganaa kuwa Fransiiska. Laakiin taangiyada Jarmalka waxay lahaayeen xagal-rogad iyo miriq-shaaleyn ka fudud kuwa Faransiiska. Waana ay ka tiro badnaayeen kuwa Faransiiska. Waxaa kaloo wiiqey taangiyadii Faransiiska weerar xagga cirka ah oo ay dayuuradihii Jarmalka ku soo qaadeen. Taasi waxay noqotey fursad haboon oo Jarmalku ay kaga saad-caleeyaan taangiyadii Faransiiska. Dagaalkii rogaal-celiska ahaa oo uu soo qaadey Jeneraal Charles de Gaulle waa uu ku jabay. Weerar taag-daran oo weliba wakhtigiisii ka soo dib-dhacay ayuu noqdey.

Xooggaas ciidamada xulufada ee ka kala socdey saddexda waddan, xiriirintooda waxaa odey ka ahaa sarkaal Faransiis ah oo la yiraahdo Jeneraal Gaston Billotte. Isagu wuxuu markaas ahaa taliyaha ciidanka 1-aad ee Faransa. Waa ciidanka fadhiyay xuduudda waqooyi. Waxaa xilkaas loo magacaabay 12/ 5- 1940-kii, markaas oo ahayd laba cisho dabadeed markii uu dagaalku ka bilowdey xuduudda. Iyada oo ayan jirin wax xafiis iyo shaqaale ah ee horey loogu tala-galay in ay arimahan ka shaqeeyaan, ayaa Jeneraal Gaston Billotte loo dhiibey xilkan. Weliba dagaalkii uu ka socdo gudaha Beljam iyo Faransa. Sidaa darteed markii jeneraalka loo dhiibey xilka, waa uu ilmeeyey. Jeneraal Gaston Billotte, niyad-xumidii uu xilka ku qabtay iyo xaaladdii adkeyd ayaa waxay sababtay in uu ku fashilmo gudashada xilkaas qallafsan. Gaar ahaan xiriirinta labada ciidan ee ah Ingiriiska iyo Beljamka. 18/ 5- 1940-kii Jeneraal Gaston Billotte isaga oo aad u niyad xun ayuu wuxuu la kulmey saraakiil Ingiriis ah oo uu kamid yahay taliyihii ciidanka Field Marshal Johm Vereker. Wuxuu ku yiri:

“ Anigu waan jajabnahay, mana garanaayo qaab looga hor-tago taangiyadan Jarmalka “. (Julian Jackson, The Fall of France: The Nazi Invasion of 1940. Julian Jackson, Oxford 2003, p. 85-86, London – UK).

16/ 5- 1940-kii, iyada oo ciidamadii xulufada ay liitaan ayaa ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska Winston Churchill, wuxuu u soo dhoofey dalka Beljam. Wuxuu la kulmey hoggaamaiyihii ciidamada Faransiiska ee aagga waqooyi Jeneraal Maurice Gamelin. Wuxuu su’aaley:

“ Meeye ciidankii keydka ee istraateejiyadda idiin ahaa “.

Jeneraal Maurice Gamelin wuxuu ku jawaabay:

“ Waxba kama joogaan “. (http://worldwar2database.com/html/france_40.htm).

Maantaas ayaa xilkii laga qaadey Jeneraal Maurice Gamelin. 19/ 5- 1940-kii waxaa ciidankii xulufada loo soo magacaabay taliye cusub oo qudhiisu u dhashay Faransa. Kaasi wuxuu ahaa Jeneraal Maxime Weygand. Isagu waxaa laga soo beddeley dalka Suuriya oo uu odey ka ahaa ciidamada Faransiiska ka joogey Bariga dhexe. Jeneraalkan oo billad-sharaf geesinimo ku qaatay dagaalkii I-aad, qudhiisu fursad uma helin in uu dalkiisa ka caabiyo ciidamadii Jarmalka. 20/ 5- 1940-kii oo ahayd markii saddex cisho ay ka soo wareegtey maalintii xilka loo dhiibey, ciidamadii Jarmalka waxay gaareen xeebta kanaalka lagu lamagacaabo (English Channel) ee ku yaal galbeedka Faransa. Jeneraalkii cusbaa wuxuu isku deyey in uu si dhakhso ah ku qaado dagaal rogaal-celis ah. Wuxuu ciidan xooggan la soo galay dhulkii howdka ahaa (Ardennes Forest). Dagaal laba cisho oo isku xigta socdey ayuu si xooggan ugu khasaarey. Dabadeed ciidamadii Jarmalka waxaa u suuragashay in ay hareereeyaan goobihii ay fadhiyeen xoogaggii xulufada ee waqooyiga iyo galbeedka Faransa. Generaal Maxime Weygand, wuxuu markaas bilaabay, wixii ka haray ciidamadiisii in uu ku urursho agagaarka webiga Somme River, halkaas oo muddo bil ah uu ka waday dagaal goos-goos ah illaa ay dowladdii Faransiiska si buuxda isu dhiibto.

Ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska Winston Churchill, markii uu dalkiisii ku laabtay wuxuu aagga dagaalka u soo direy abaanduulihii guud ee ciidamada Ingiriiska Jeneraal Edmund Ironside. Ujeeddadu waxay ahayd in uu lana soo tashado saraakiisha aagga, isla-markaas uu soo qiimeeyo xaaladda dagaalka. 20/ 5- 1940-kii ayuu Jeneraal E. Ironside soo gaaray aaggii dagaalka. Ragga uu la kulmey waxaa kamid ahaa taliyihii ciidanka Ingiriiska Marshal Johm Vereker iyo xiriiriyihii ciidamada xulufada Jeneraal Gaston Billotte. Goor danbe Jeneraal E. Ironside, wuxuu ka waramaya niyad-jabka uu kala kulmey ciidankii uu booqdey. Isaga oo ka sheekeynaya kulankii uu la qaatay saraakiisha, wuxuu si gaar ah u tilmaamey niyad-jabkii uu ku sugnaa Jeneraalkii ka masuulka ahaa xiriirinta ciidamada.

“ Waxaan tegey iyada oo Jeneraal Billotte uu ku sugan yahay xaalad ay niyaddiisu si xooggan u hooseyso. Wax qorshe ah ma-jirin. Feker qorshena ma-jirin. Waxay u diyaar ahaayeen dhamaantood in la gowraco. Madaxa ayaa laga dhaawacay iyada oo aanan wax nabar ah la gaarsiin. …….. Waxaa halkaas igaga lumey farxaddii aan ku tegey “. (Julian Jackson, The Fall of France: The Nazi Invasion of 1940. Julian Jackson, Oxford 2003, p. 86, London – UK).

Jeneraal Edmund Ironside, markuu xaaladdii arkey wuxuu xilkii kala wareegey taliyihii guud ee ciidamada xulufada Jeneraal Gaston Billotte. Wuxuu si deg-deg ah u hagaajiyay xiriirkii ciidamada. Dabadeed wuxuu hoggaamiyay weerar uu ku qaadey degmada Arras oo ku taal waqooyiga Faransa, taas oo gacanta ugu jirtay ciidankii A ee Jarmalka. Weerarkaas uu Jeneraal E. Ironside qaaday wuxuu ku doonayay in uu ku hakiyo socodka ciidamada Jarmalka ay ku doonayeen in ay soo gaaraan fariisimaha ciidamada Ingiriiska. Dagaalkan oo loo yaqaan (Battle of Arras) ayaa wuxuu yahay dagaalkii ugu waynaa oo ciidamada EBF ee Ingiriiska ay xilligaas isaga hor yimaadeen Jarmalka. Laba qeybood oo ciidanka cagta ah ayaa ka qeyb-galay (6-aad iyo 8-aad), kuwaas oo tiradoodu ay dhameyd 15,000 oo nin. Waxaa weheliyay qeybta 4-aad iyo qeybta 7-aad ee ciidamada taangiyada.

Dagaalkii uu qaaday Jeneraal Edmund Ironside, waa uu ku soo jabay. Sababtu waxay ahayd xoogga ay ku socdeen ciidamada Jarmalka iyo qalabka ay wateen ayaa waxay ahaayeen awood ayan xulufadu u babac dhigi karin. Waxaa horey u soo jabay ciidankii Faransiiska ahaa ee ka dagaalamayay howdka Ardennes. Dhowr jeer oo ciidankaas ay isku deyeen weerar rogaal-celis ah ayaa waxay kala kulmeen fashilaad. Ciidankii xulufada, jabkaas ka qabsadey labad aag waxay dhalisey in ay waqooyiga Faransa isugu yimaadaan ciidankii Jarmalka ahaa ee ka soo dagaalamay howdka Ardennes iyo kuwii ka dagaalamay Beljam. Sidaa darteed 20/ 5- 1940-kii, Jarmalku waxay kala jareen xiriirkii ay lahaayeen ciidamadii xulufada ee ku kala sugnaa Fransa iyo Beljam.

21/ 5- 1940-kii, saraakiishii ciidamada xulufada hoggaaminayay waxay isugu yimaadeen kulan. Meesha ay ku shireen waxay ahayd degmada Ypres ee ku taal koonfur-galbeed ee dalka Beljam. Jeneraal Gaston Billotte, wuxuu shirkaan ka qeyb-galey isaga oo ay ka muuqato cabsi badan. Markuu ka baxay shirkii, wuxuu galay shil gaari, kaas oo dhaawac ka soo gaaray uu la dhintey. Jeneraal Henry Pownall oo abaanduule u aha Jeneraal Edmund Ironside, wuxuu tilmaamey jeneraalka ka baxay xilligaas adag. Isagu wuxuu yiri sidaan:

“ Aniga oo aad u xushmeynaya, misana ma uusan ahayn nin aanu tebney xaaladda adag oo aanu ku jirney “. (Julian Jackson, The Fall of France: The Nazi Invasion of 1940. Julian Jackson, Oxford 2003, p. 86, London – UK).

Maantaas uu kulanku dhacayo ciidankii 1-aad ee xulufada iyo ciidankii B ee Nazi-ga waxaa waqooyiga Faransa ku dhex-maray dagaallo mug wayn. Jarmalku waxay doonayeen in ay gaaraan degmada Dunshirk (Dunkirk) ee ku taal xeebta waqooyi-galbeed ee Faransa. Waxaa halkaas fadhiyay ciidanadii EBF ee Ingiriiska, kuwaas oo tiradoodu ay dhameyd 158.000 oo nin iyo qalabkoodii. Ciidankii Jarmalka waxay bar-tilmaameed ka dhigteen saldhiggan ay ciidamada Ingiriisku fadhiyaan. Waxay is-tusiyeen haddii uu ciidankan meesha ka baxo in markaas ay u sahal tahay in ay qabsadaan gebi ahaan dalka Faransa oo ay soo jeebiyeen dhamaan aagaggii difaaca ciidankeeda. Sidaa darteed ayaa markay taariikhd ahayd 24/ 5- 1940-kii, Hitler wuxuu soo booqdey magaalo ku taal waqooyiga Faransa ee la yiraahdo Charleville. Wuxuu halkaas kula kulmey taliyihii ciidamada Nazi-ga ah ee ka dirirayay aagga galbeed Jeneraal Gerd von Rundstedt. Wuxuu amar ku siiyay in ciidanka cagta B ay weeraraan fariisimaha ciidamada Ingiriiska ay ku leeyihiin degmada dekadda ah ee Dunkirk. Jeneraal Paul von Kleist oo hoggaaminayay ciidanka 1-aad ee taangiyada, ayaa isna waxaa la faray in uu weeraro dhanka galbeed ee dalka Faransa iyo koonfurta degmada Dunkirk. Si uu ugu khasbo ciidamada xulufada in ay dib u gurtaan intaaney ciidanka cagta B ee Jarmalka ayan soo gaarin fagaaraha lagu hardamayay. Kadib markii ciidamadii xulufada dib loo riixey, ciidankii Jarmalka waxay heleen fursad ah in ay isu urursadaan ciidamadooda kala baahsanaa. (History of World War II. By A.J. Taylor and S.L. Mayer 1974. p. 59).

Casharkii 23aad

April 24, 2012

Laba dagaal oo ka dhacay waqooyi-galbeed ee Faransa waxay soo af-jareen in ciidamadii xulufada looga adkaado degaanka xuduudda u ah Faransa iyo Beljam. Labadaas dagaal oo kamid ah dagaallada lagu xuso taariikhdan ayaa mid wuxuu ka dhacay degmada Arras (21/ 5- 1940) mid kalena wuxuu ka dhacay degmada Cambrai (22/ 5- 1940). Isla-maalintaas ay bishu ahayd 22, waxaa amar la siiyay Jeneraal Heinz Wilhelm Guderian, oo ahaa taliyihii ciidamada taangiyada Jarmalka ee ka dagaalamayay xuduudda galbeed. Waxaa la farey in uu xooggiisa la aado dhanka waqooyi-galbeed si uu u ciriiri geliyo ciidamada xulufada ee ku sii sikanaya dhanka xeebta. Gaar ahaan degmooyinka xeebta ah ee ku beegan biyaha Kanaalka Ingiriiska. Qeybta 1-aad ee taangiyada waxay markaas aadeen degmada Calais. Qeybta 2-aad ee taangiyada waxay iyaguna aadeen degmada Boulogne, qeybta 10-aad ee taangiyada ayaa iyaguna aadey degmada Dunkirka. Goor danbe qorshahaan waxbaa laga beddeley. Ciidankii taangiyada ee qeybta 1-aad waxaa markaas lagu wajahay Dunkirk. Qeybta 10-aad, iyaguna waxaa la aaddiyey degmada Calais. (Healy Mark, The Campaigns in the West 1940. 2007, Vol. 1, p. 184, London – UK).

23/ 5- 1940-kii, qeybtii 2-aad ee ciidamadii taangiyada Jarmalka waxay weerareen degmada Boulogne. Waxaa halkaas ku sugnaa ciidamo Ingiriis ah, kuwaas oo tiradoodu ay ka badneyd 4.000 oo nin. Ingiriiska waxaa u muuqdey in looga adkaanayo weerarka ka dhacaya degmadan. Sidaa darteed ciidankiisa cirka RAF (Royal Air Force) waxay hakiyeen socodkii taangiyada Jarmalka. Weerar xooggan oo xagga cirka ah ayay ku soo qaadeen degaankii. Weerarkaasi wuxuu ahaa mid ay ku qarinayeen daad-gureynta ciidanka degmada ka joogey. Qorshahaasi Ingiriiska waa uu ku guuleystey oo ineeyan Jarmalkii soo gaarin dekadda ayaa ciidankiisii badda waxay degmada ka qaadeen ciidan dhan 4,286 nin. (Evans, Martin Marix. The Fall of France: Act of Daring.2000, p. 33, Oxford. London – UK).

Maantaas labada ciidan ay ku hardamayaan degmada Boulogne, Jeneraal Hünther von Kluge oo hoggaaminayay qeybta 4-aad ee ciidanka A, ayaa wuxuu jeneraalladii saaxiibadiis ahaa u gudbiyey aragti u muuqatey. Isagu wuxuu markaas ku taliyey in la hakiyo socodka ciidamada Jarmalka. Waxaa u muuqatey in aanan la weerarin degmooyinka dekadaha ah ee Faransiiska. Bal lagu go’doonsho goobahaas ay isku ururiyeen. Muddadaasna ciidanka cirka ee Jarmalka ay dhanka badda ka xayiraan. Waxaa fikraddii ku waafaqay Jeneraal Gerd von Rundstedt, kaas oo hoggaaminayay ciidanka A. Waxaa ra’yigii ku diidey taliyihii ciidamada Jarmalka Jeneraal Walther von Brauchitsch, isla-markaas wuxuu amar ku bixiyey in la weeraro degmada Dunkirk. Khilaafkii soo dhex-galey jeneraallada Jarmalka wuxuu gaarey odeygii Nazi-ga Hitler, kaas oo la mowqif noqdey jeneraallada hakiyey dagaalka. Go’aanka uu Hitler qaatey kama ahayn amar cusub oo uu siinayay ciidamada Jarmalka ee aagga ka dagaalamaya. Bal wuxuu arkayey in jeneraallada aagga ka dagaalamaya loo daayo qiimeynta xaaladda iyo go’aamada ay qaataan. (John Strawson, Hitler as Military Commander, 2003, p. 185, London – UK).

Jeneral Herman Göring oo ahaa taliyihii ciidanka cirka ee Jarmalka, ayaa isaguna talo u soo jeediyey Hitler. Jeneraalku wuxuu ku taliyey in dayuuradaha ciidanka cirka ay hor-joogsadaan haddii uu Ingiriisku isku deyo in uu dhanka badda ku daad-gureeyo ciidamada badan ee halkaas ka joogey. Jarmalku waxay doonayeen in ciidmadaas ay qeybna laayaan qeybna maxaabiis ahaan u wataan, si loo han-jebiyo dowladda Ingiriiska iyo shacabkeeda. Inkasta oo Hitler uu waafaqay aragtidii Jeneral Herman Göring, misana saddex cisho ayay dib u dhacdey in uu ka qaato go’aan lagu tallaabsado. La garan-maayo sababta uu dib u-dhacaas u yimid. Laakiin waxaa la hubaa in ciidamadii Ingiriiska ay ka faa’iideysteen hakadkii Jarmalka. Sidaas darteed, saddexdii cisho gudaheeda (24 – 27 mey) ayaa Ingiriiska wuxuu daad-gureeyey in badan oo kamid ahaa ciidamadiisii ku sugnaa Faransa. (Hooton, E.R. Phoenix Triumphant, 1994, p. 47, London – UK).

Subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 24/ 5- 1940-kii, degmada Calais waxaa isku heley labadii xoog. Ciidankii Jarmalka (qeybtii 10-aad ee taangiyada) iyo ciidankii Ingiriiska ee degmada fadhiyay, kuwaas oo maalin horteed lagu soo xoojiyay (ciidanka 3-aad ee taangiyada iyo guutada 30-aad ee tiknikada). Ciidamadan ayaa degmada iyo dekaddeeda si aad ah ugu mitidey. Sababtu waxay ahayd degmada Dunkirk ee u dhow ayaa isla-maalintaas waxaa ka bilowdey daad-gureyntii ciidanka Ingiriiska. Ciidamada difaacayay degmada xooggoodu waxay ahaayeen Faransiis. Jeneral Heinz Guderian, ayaa markaas wuxuu amrey in xagga cirka laga bur-buriyo degmada. Ciidankii Faransiiska iyo Ingiriiska ee difaaca ahaa, waxaa iyagana ka dhamaadey rasaastii. Sidaas ayaa magaaladii ay Jarmalka ugu gacan-gashay duhurnimadii ay taariikhdu ahayd 26/ 5- 1940-kii. (Sebag-Montefiore, Hugh. Dunkirk: Fight to the Last Man. 2006. P. 195 New York – USA).

Hitler waa uu hakiyey in la weeraro degmada. Inkasta oo taariikhyahannadu ay ku kala duwan yihiin fasirka arintan, misana waxaa hubaal ah in Ingiriisku uu ka faa’iideystey hakadkii. Waxaa si nabad ah ugu hirgaley mashruucii daad-gureynta ahaa. Aragtiyaalka laga yiri sababta loo hakiyey weerarka ciidamada Jarmalka, waxaa kamid ah in uu mala-awaaley in Ingiriisku uu goor hore jabey. Si uusan xasuuq ka careysiiya u dhicin, wuxuu doonayey in uu culeys saaro si ay isu dhiibaan.

Dagaalka ay Jarmalka kula wareegeen degmada waxaa loo yaqaan Battle of Calais. Afar maalmood ayaa xoogga labada ciidan ay is-rifayeen. Inkasta oo laga adkaadey, misana ciidamadii xulufada ahh kharaj badan ayaa kaga baxay dagaalkii. Askartoodii, 60 % waxay noqdeen wax dagaalkii ku dhintey iyo wax ku dhaawacmey. Ciidankii Faransiiska ee dhufeesyada ka dagaalamayay waa ay is-dhiibeen. Laakiin ciidankii Ingiriiska ahaa xeebta ayay ku sugnaayeen tan iyo subaxdii ay taariikhdu ahayd 27/ 5- 1940-kii. Iyaga oo tiradoodu ay tahay 440 nin ayaa lagu daad-gureeyey markab ay lahaayeen ciidanka badda ee Ingiriiska. (Sean Longden. Dunkirk: The Men They Left Behind. Constable Puplishing. 2008).

Ciidankii Jarmalka ee A iyo B waxay xoogga soo saareen aagga waqooyi galbeed ee Faransa. Waa degaanka ay ku xoog badnaayeen ciidanka xulufada, kuwaas oo isugu jira Faransiis, Ingiriis, Beljam iyo xataa ciidamo Poland ah. Halka ciidanka Jarmalka A uu ahaa dubbihii lala dhacayay ciidamada xulufada, ciidanka Jarmalka ee B wuxuu ahaa daab-gashigii dubbaha. Ciidamadii xulufada oo lagu soo riixey xagasha waqooyi-galbeed ee xuduudda Faransiiska, ayaa dagaalkii Calais dabadeed waxay ku soo urureen degmada Dunkirk ee dekadda leh. Ciidamadii Jarmalka waxay markaas tilmaansadeen degmadaas oo xooggii xulufadu ay ka joogeen ciidan gaaraya 330.000 oo nin. Ciidankii xulufadu wuxuu markaas taktikadoodii noqdey is-difaac iyo daad-gureyn, si intooda badan ay u bad-baadaan.

Inkasta oo daad-gureyntu ay ahayd tallaabo ah dib u-gurasho ciidameed, misana waxay noqotey dhacdo uu Ingiriisku ku faano. Waxaa u nabadgaley ciidan aad u tira-badan oo weliba ahaa kuwii xilligaas ugu tayada iyo khibradda fiicnaa ee ciidamadiisa kamid ahaa. Sida nabadda ah ee qarsoodiga ah oo ciidamadaas ay dhamaantood ku badbaadeen ayaa waxaa lagu tilmaamaa arin mucjiso ah. Guuldarradii ciidameed ayaa waxay isu beddeshey guul niyaddii dhacsaneyd kor ugu qaadda ciidankii iyo dowladdii Ingiriiska. Sarkaalkii odeyga ka ahaa mashruuca daad-gureynta wuxuu ahaa Jeneral Dover Castle. Jeneraalkan ayaa mashruucan ku heley billad sharaf geesinimo. Meesha uu ka maamulayey howsha waxay ahayd god dhulka hoostiisa ah. Waxay adeegsanayeen diinamo ay nalalka ku shitaan. Sidaa darteed ayaa mashruucan daad-gureynta waxaa loogu magacaabey (Operation Dynamo).

Admiral Bertram Ramsay oo xilka kaga sareeyey Jeneraal Dover Castle, ayaa wuxuu ahaa sarkaalka Ingiriiska uga masuulka ahaa dhaqdhaqaaqa iyo ilaalada maraakiibta ku gooshaya biyaha kanaalka. Waa biyaha gacanka ah ee bad-waynta atlantikada, kaas oo u dhexeeya Ingiriiska iyo Faransiiska. Admiral Bertram Ramsay, wuxuu ahaa taliye xigeenka ciidanka badda ee Ingiriiska. Xarunta admiraalku waxay ahayd degmada Donever ee ku taal koonfur-bari ee dalka Ingiriiska. Waxaa dhanka kale kaga began degmada Dunkirk ee Faransa. Admiraalku wuxuu farey in ciidamada Ingiriiska ee ku sugan gacanka dhinaciisa kale, dhamaantood ay xeebta yimaadaan.

Subaxnimada uu dagaalka ka bilaabanayo degmada Calais (24/ 5- 1940), isla-subaxaas ayaa degmada ku dhow ee la yiraahdo Dunkirk waxaa ka bilowdey mashruuc xooggan oo lagu daad-gureynayo ciidamadii Ingiriiska. Ciidankaas oo ku jabey dagaalkii ayaa waxaa lagu gaadiidey dhamaan wixii maraakiib iyo doonyo ahaa oo Ingiriiska uu lahaa. Maraakiibtii dagaalka, kuwii gaadiidka, kuwii ganacsiga, kuwii kalluumeysiga, xataa doonyihii sida gaarka ah ay dadku u lahaayeen waa ay ka qeyb-qaateen badbaadada ciidankaas. Muddo sagaal cisho ah ayaa waxay ku fuliyeen howl qallafsan oo loojiistiko ah taas oo tiradeedu ay gaareyso 250,000 oo fal-howleed. Daad-gureyntii la magac-baxdey Operation Dynamo, waxaa ka qeyb qaatey 850 doonyood oo isugu jira kuwo yar-yar iyo kuwo waaweyn. Maalintii ugu horeysey waxaa la daad-gureeyey 17,000 oo nin. Sagaalkii cisho oo ay daad-gureyntu socotey waxaa kanaalka laga tallaabiyey ciidan gaaraya 338.226 oo nin (198.229 oo Ingiriis ah iyo 139.997 oo Faransiis ah). Ciidankaas dhaantood waxay gudbeen iyada oo ayan dareemin sahamada Jarmalkii degaanka ka dalaamayay. (Taylor, A.J.P. English History 1914–1945. Oxford History of England). London: Oxford, 1965).

Daad-gureynta inteeyan dhamaan, waxba lagama garaneyn qaabka ay natiijada ku dhamaaneyso. Waxaa jiray cabsi badan oo siyaasiyiinta Ingiriiska ay ka qabeen hirgelinta mashruucan. Haddii uu Jarmalku ogaan lahaa, wuxuu awood u lahaa in uu xagga cirka ka buru-buriyo doon kasta oo kanaalka ka gudbeysa. Sidaa darteed, mashruucaas oo si qarsoodi ah ku dhacay, ayaa muddadii uu socdey Winston Churchill, wuxuu ka yiri aqalka duqeyda: Waxaanu fileynaa dhambaal adag oo culus. Taasi waxay ahayd cabsi uu ka qabey in arintu fashilanto oo ay ku dhamaato halaag iyo hoolato laga sheekeeyo. Laakiin markii lagu ku guuleystey mashruucii daad-gureynta, Winston Churchill wuxuu ku tilmaamey in ay ahayd howl si mucjiso ah u dhacdey. Inkasta oo Ingiriisku uu wakhtigu ku adkaa, misana badbaadadii ciidanka intaas le’eg ayaa waxay kor u qaadey niyaddii shacabka iyo dowladda.

Dagaalladii ka dhacay waqooyiga Faransa, waxaa xulufada looga bur-buriyey ciidan gaaraya 61 gaas. Ciidamadii Faransiiska oo xooggoodii looga tegey degaanka waxay noqdeen firdhad. Hoggaamiyihii ciidamada Faransa Jeneraal Maxime Weygand, qorshe difaac oo uu horey u dejiyey ayaa jirey, kaas oo uu ku magacaabey Qorshihii Caana-qubta (Hedgehog Tactic). Wuxuu ugu tala-galey in uu kaga hor-tago ciidamada Jarmalka ee waqooyiga ka imanaya. Qorshahaasna ma noqon mid hakiya gulufyadii weerarka ahaa ee Jarmalka. Dalka Faransa gudihiisa waxaa markaas ku sugnaa ciidamo Jarmal ah oo tira badan iyo qalabkoodii. Sidaa darteed Jeneraal Maxime Weygand uma ayan suuragelin in uu ciidamadiisa firdhadka ah oo meel walba ku jabey uu isu keeno.

10/ 6- 1940-kii, dowladdii Faransa waxay ku dhawaaqdey in magaalo-madaxdeedii ay tahay magaalo u furan ciidamada cadowga. Taasina waxay ka danbeysey markii la bur-buriyey dhamaan wixii difaac ahaa oo magaalada ka caabinayay cadowga. Waxaa markaas ku soo dhaqaaqey ciidankii 18-aad ee Jarmalka. Jeneraal Weygand waxaa u muuqatey in Faransiisku uu u baahan yahay wakhti badan si uu isaga caabiyo culeyska ku yimid. 13/ 6- 1940-kii ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska, isaga oo booqasho ku jooga Faransa ayuu degmada Tours wuxuu kula kulmey golihii ciidamada xulifada. Wuxuu soo jeediyay talo ah in labada dal (Ingiriis iyo Faransiis) ay midoobaan ooh al dal isku noqdaan. Saraakiishii Faransiiska ahayd waa ay ka diideen arinkii. (Maier, Klaus and Falla,P.S. Germany and the Second World War: Volume 2: Germany’s Initial Conquests in Europe. Oxford University. 1991. P. 301. London – UK).

Ciidankii Faransa ee keydka ahaa maaheyn kuwo awood u lahaa in ay difaacaan dalka. Ducfigaas ku yimid Faransiiska ayaa waxaa ka faa’iideystey dowladdii fashiistada ahayd ee Talyaaniga. 10/ 6- 1940-kii, keligi-taliyihii hoggaanka u hayay Benito Mussolini, wuxuu ku dhawaaqey in uu dagaal kula jiro dalka Faransa. Isla-markaas wuxuu weerar ka bilaabey xuduudda u dhexeysa labada dal. Dagaalkaas oo aanan ahayn mid weyn, ducfiga xaaladda Faransa darteed, Talyaanigu wuxuu ku doonayey in uu ku qabsado buuraha Alp ee ku yaal gobolka Nice (koonfur-bari Faransa). Waa silsilado buuro ah oo ka soo bilowda bartamaha Yurub, gaar ahaan dalka Austria. Dhanka galbeed ayay u taxman, dabadeed waxay isu- maraan waddamada Slovania, Talyaaniga, Suisse, Lechtenstein, Jarmalka, Faransa.

Inkasta oo Talyaanigu uusan si waanagsan ugu soo diyaargaroobin dagaalkan, misana 22 gaas ayuu ku soo kiciyay weerarka. Ciidankii dhulka ee Talyaaniga, waxaa ku weheliyay dagaalka ciidanka badda iyo kuwa cirka ee Talyaaniga. Ciidankaas oo tiradoodu ay ahayd 300.000 oo nin ayaa waxaa hoggaaminayay wiil reer boqor ah oo la yiraahdo Umberto di Savoia. Isagu wuxuu noqon-doonaa boqorkii ugu danbeeyey dalka Talyaaniga, kaas oo caleema-saarkiisu uu ahaa 1943-kii. Ciidankii Faransa oo ku soo jabey waqooyiga, waxaa koonfurta ka joogey xoog tabar yar. Ciidankii cirka wixii ka harey, markii uu weerarka Talyaaniga bilowdey waxaa loo rarey Afrika. Sidaa darteed Faransiiskii wuxuu ka fursan waayay in uu ku Talyaaniga ka hor-geeyo cuntubyo ka tirsan ciidankiisii badda.

Hoggaamiyaha Talyaaniga Benito Mussolini, waa uu ogaa tag-darrida ciidankiisa. Laakiin wuxuu is-lahaa ka faa’iideyso guulaha ay Jarmalku gaareen. Isagu wuxuu u qaatey in dagaalku dhakhso dhamaanayo, colaadduna ay joogsaneyso iyada oo la kala adkaadey. Waxaa sidaas laga dheehanayaa hadal uu ka warinayo Marshall Pietro Badoglio. Hoggaamiyaha Talyaaniga, sarkaalkan ayuu wuxuu ku yiri:

“ Waxaan u baahnahay in dhowr kun oo keliya ay iga dhimato, si aan u soo fariisto niiska wada-hadalka nabadda, anoo markaas u muuqanaya nin dagaalamay oo kale “. (Frans De Waal. Peacemaking Among Primates, Harvard University Press. 1990. p. 244. Cambridge – USA).

Casharkii 24aad

June 10, 2012

Markaas uu Talyaanigu soo weerarayo xuduudda Faransa, ciidamada keliya ee dowladda Faransa ay ka hor-geyn kartey weerarkaas waxay ahaayeen ciidankeeda badda. Gaar ahaan cuntubyada fadhigoodu ahaa badda dhexe (Mediterranian). Raxanta saddexaad ee ciidanka badda Faransa ayaa markaas ku sugnaa degmada Toulun ee ku taal xeebta uu Faransiisku ku leeyahay dhanka bari ee badda dhexe. 14/ 6- 1940-kii, ciidankaas waxay weerar ku qaadeen xeebaha lagu magacaabo Ligurian ee ku yaal waqooyi-bari ee Talyaaniga iyo dekadda wayn ee degmada Genoa. Degaankaas oo u dhow xuduudda Faransa ayaa waxaa laga taakuleynayay ciidamada Talyaaniga ah ee weerarka ku qaadey Faransa. Afar maraakiib oo ah kuwa madaafiicda culus sita iyo 11 ah doonyaha gantaallada xambaara ayaa weerar ku qaadey xeebihii Talyaaniga. Waxay bur-buriyeen haaman ay ku jireen keyd xooggan oo shidaal ah iyo saldhigyo ciidamada Talyaanigu ay ku lahaayeen xeebaha Ligurian. Waxaa kaloo ay weerareen dekaddii degmada Genoa. Degaankaas weerarku qabsadey waxaa ku yiil xarumihii laga taakuleynayay ciidamada Talyaaniga ee ku duuley Faransa. (Sea War: 1939-1941. Janusz Piekalkiewicz. Blandford Press. 1987. p. 82. London – New York).

Subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 17/ 6- 1940-kii, Marshal Henri Philippe Petain oo ahaa madax-waynihii Faransa ayaa wuxuu dowladdii Jarmalka u soo jeediyay heshiis xabbad-joojin ah iyo wada-hadal. Jarmalkii waa ay ka aqbaleen. 20/ 6- 1940-kii, heshiis kale oo kaas lamid ah ayaa Farnsiiskii waxay ka u soo jeediyeen Talyaaniga. Laakiin Talyaanigii waa uu ka dhega adeygey, wuxuuna kaga jawaabey in uu 22 qeyb oo ciidan ah uu laba meelood kaga weeraro dalka Faransa. Tirada ciidankaas waxay kor u dhaafeen 300.000 oo nin. Talyaaniga waxaa markaas damac xooggan uu ka hayay in uu qeyb wayn ka helo dhulka Faransa oo Jarmalku boobayo iyo weliba dhulalka qaaradaha Afrika iyo Aasiya oo Faransiisku uu gumeysto.

Qeyb kamid ah ciidanka Talyaaniga waxay weeraraeen xuduudda labada dal ee marta buuraha Alpa dushooda. Ciidan kale waxay iyaguna weerareen xeebaha koonfureed ee Faransa ay ku leedahay badda dhexe ee Mediterranian. Gaar ahaan xeebta degmada Nice ee ku dhow xuduudda Talyaaniga. Ciidamada Faransiiska xooggoodu Jarmalka ayay kula dagaalamayeen xuduudda waqooyi. Dhanka koonfureed waa ay ku tabar-yaraayeen. Arintaasi waxay sababtey in Talyaanigii uu guulo ka gaaro weerarkiisii hore. Laakiin guulahaas ma noqon kuwo sii socda. Dhanka dhulka buuraleyda ah, guushii Talyaaniga waxaa hakiyay dabeylo baraf xambaarsan ee halkaas ka dhacay xilligii uu weerarka ahaa. Dhanka xeebta ciidankii ka yimid, qudhooda waa socon waayeen masaafo dhaafsiisan 8 km. oo dhulka ah.

21/ 6- 1940-kii, ciidamadaii badda ee Faransa waxay weerar ku qaadeen degmada Baardiya ee ku taal xeebta dalka Liibiya oo markaas ahayd degaan uu Talyaanigu gumeysto. Weerar kale ayaa ciidankii cirka ee Fransa waxay ku qaadeen laba degmo ee ku yaal xeebaha Talyaaniga. Mid waxay tahay degmada Taranto ee ku taal xeebta koonfur-bari, midda kale waxay tahay degmada Livorno ee ku taal xeebta galbeed. Weeraradaas ayaa waxay ahaayeen gulufyadii ugu danbeeyey ee ciidamada Faransa ay qaadaan inteeyan si buuxa isu dhiibin. 22/ 6- 1940-kii, dalka Faransa waxaa taladiisii la wareegey Jarmalka. Saddex cisho dabadeed (25/ 6- 1940-kii) Talyaanigii waxay aqbaleen heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee Faransiiska ka dalbadey.

Heshiisku wuxuu dhacay iyada oo ciidamadii Talyaaniga ayan wax guul ah ku heysan Faransa. Sidaas darteed Talyaanigii uma suuragelin damacii uu ka lahaa dagaalkan oo ahayd in uu imbraadooriyad ku dhisto jebinta Faransa oo markaas uu wax ka boobo degaamada uu Faransiisku ka taliyo. Meelaha uu Talyaanigu indhaha ku hayay waxaa kamid ahaa Jabuuti, Tuunis, jasiiradda la yiraahdo Corsika ee ku taal badda dhexe (Mediterranian) iyo dhulka buuraleyda ah oo ay ka soo qubtaan biyaha webiga Rhone. Laakiin maadaama ciidamadii Talyaaniga ayan guul wayn ka gaarin dagaalkii ay la galeen Faransiiska, waxaa loo oggolaadey codsi taag-daran oo ah in dhulalkaas aanu soo xusney masaafo ah 50 km. laga yeelo meelo hubka ka caaggan, iyada oo Jarmalka uu gacan ka siinayay arintaas. Waxaa kaloo Talyaanigii loo oggolaadey in uu heysto degaamo kamid ah ciidda Faransa. Waxaa kamid ahaa jasiiradda Corsika, meelo kamid ah waddooyinka mara buuraleyda Alpi, iyo meelo kamid ah xuduudda u dhexeysa Faransiiska iyo Talyaaniga. Dhulkaas wuxuu Talyaanigu ku sugnaa tan iyo bishii sebtember 1943-kii.

Markey taariikhdu ahayd 14/ 6- 1940-kii, magaalo-madaxdii Faransa waxay gacanta u gashey ciidamadii Jarmalka. Si buuxda ayaa markaas waxaa isu dhiibey dowladdii Fransa. 22/ 6- 1940-kii, heshiis xabbad joojin ah (heshiiskii II-aad) ayaa dhex-marey Jarmal iyo Fransa. Adolf Hitler markii ay soo gaadhey in Faransiisku diyaar u yahay wada-hadal nabadeed, wuxuu doortey in heshiisku ka dhaco howdka degmadaas Compiègne, taas oo 17 km. ka jirta dhanka waqooyi magaalo-madaxda ayuu heshiisku ka dhacay. Sababta uu u doortey degmada waxay ahayd, waxaa horey goobtaas uga dhacay wada-hadal (1918-kii) dhex-marey labada dowladood, xilligii uu dhamaanayay dagaalkii I-aad ee dunida. Heshiiskaas oo lagu bah-diley Jarmalka kadib markii lagaga adkaadey dagaalkii I-aad, ayaa Adolf Hitler waxay ugu muuqatey in uu joogo wakhti iyo xaalad uu kaga aarsan-karo dhacdadaas taariikhiga ah.

Waxaa xusid mudan in heshiiskaas hore lagu qabtey tariin dushiis. Tariinkii waxaa la dhigey meel ah matxaf taariikheed. Faransiiskii waxaa lagu khasbey in tariinkii ay soo qaadaan oo ay dhigaan bartii kol hare uu yiil markii heshiiska hore la-kala saxiixanayay. Sidii ayay Fransiisku yeeleen. Dabadeed halkii ayaa heshiiskii is-dhiibka iyo xabbad-joojinta lagaga saxiixdey dowladdii Faransa. Ninka u saxiixey wuxuu ahaa Jeneraal Charles Huntziger. Dhanka Jarmalka, Hitler ayaa yimid iyo qaar kamid ah saraakiishiisii sare oo ay kamid ahaayeen Hermann Wilhelm Göring, Rudolf Hess, Friedrich von Ribbentrop, Alfred Hermann von Brauchitsch. Heshiiskaasi wuxuu jebiyay heshiis saddex bilood horteed (bishii maarso) ay kala saxiixdeen Ingiriiska iyo Faransiiska ee ahaa in aanan labada dal midkoodna uusan heshiis gaar ah la dhigan maamulka Nazi-ga ah ee Jarmalka. Laakiin Faransiiska markii uu jabey uma bannaaneyn doorasho aanan ka aheyn in uu aqbalo waxa uu Jarmalku u yeerinayo.

Heshiiskii waxaa ka soo baxay in dhulka Faransa laga yeelo laba qeybood. Qeyb waa gobolladii ay Jarmalku qabsadeen (occupied zone) oo ah waqooyiga. Dhulkaas oo ciidamada Jarmalka ay si toos ah uga talinayeen waxaa baaxaddiisa lagu qiyaasaa 3/5 dhulkii Faransa. Qeybta kale waa gobollo si magac u-yaal ah u madax-bannaan (free zone) oo dowlad maqaar-saar ah ay ka taliso. Dhulkaasi oo ku yaal koonfurta ayaa ciidamada Nazi-gu ay gebi ahaan ka maqnaayeen. Qeybta ay ciidamada Jarmalka la wareegeen wuxuu xigaa xeebta bad-waynta Atlantikada. Waa dhulka ku wajahan jasiiradda uu Ingiriisku deggan yahay ee Jarmalku uu doonayay in uu ka weeraro dalka Ingiriiska.

Dowladda maqaar-saarka ah ee Faransa waa dowladdii la oran jiray Régime de Vichy, taas oo cimrigeedu ahaa muddadii u dhexeysey 11/ 7- 1940-kii illaa agosto 20/ 9-1944-kii. Wuxuu ahaa nadaam macmal ah oo si buuxda ula shaqeynayay Jarmalka. Waxaa odey ka ahaa Henri Philippe Pétain. Ninkan oo kamid ahaa saraakiishii sare ee Faransa ayaa dagaalkii I-aad ku heley billad-sharaf markii uu ciidamadii Jarmalka ku jebiyey dagaal kamid ah kuwii ugu waynaa ee dhaca dagaalkii I-aad. Dagaalkaas oo dhacay sanadkii 1916-kii ayaa wuxuu ka dhacay meel u dhow degmada Verdun (waqooyi-bari Fransa).

Henri Philippe Pétain, markaas uu hoggaaminayo dowladda Faransa, da’diisu waxay ahayd 85 sano. Isagu wuxuu ku dadaaley in taagtiis uu badbaadiyo madax-bannaanida dalkiisa, misana wuxuu ku khasbanaa in wada-shaqeyn buuxa uu u muujiyo Jarmalka qabsadey dalkiisa ee kana awoodda roon. Ingiriiskii wuxuu noqdey maamulka keliya ee ku yaal Yurubta galbeed kaas oo ka madax-bannaan Jarmalka. Waxaa u muuqatey in dagaalku uu noqonayo mid u dhexeeya isaga iyo Jarmal oo wata Yurub inteedii kale. Si uu taas uga hor-tago falkii ugu horeeyey ee uu qaado waxay ahayd weerar uu ku bur-buriyey saldhig ay lahaayeen ciidamada badda ee Faransa kii ugu waynaa. Saldhiggaas ayaa waxaa ku urursanaa maraakiibta dagaalka ee Fransa kuwii ugu tayada wanaagsanaa ee markaas degaankiisa ku sugnaa. Dagaalka ayuu kala soo cararey oo wuxuu ku soo ururshey dekad ku taal waqooyiga Aljeeriya ee la yiraahdo Marsada Wayn (Mersa Al-Kabiir).

Ingiriiska wuxuu ka cabsi qabey, xooggaas iyo qalabkaas in uu gacanta u galo dowladda Nazi-ga ah, dabadeed isaga lagula diriro. Wuxuu markaas qorsheeyey in uu weeraro saldhiggaas oo uu bur-buriyo maraakiibta Fransiiska ee fadhiya Marsada Wayn (Mersa Al-Kabiir). Weerarkaasi wuxuu dhacay 3/ 7- 1940-kii. Maantaas waxaa marsadii weerarey ciidamada la yiraahdo Force H oo ah cuntubyo ciidanka badda Ingiriiska ah, kuwaas oo la smeeyey dagaalkii II-aad gudihiisa. Ujeeddaduna waxay ahayd in ay buuxiyaan awooddii ciidamada badda Faransa ay ku lahaayeen badda dhexe (Mediterranian). Ciidankaas ayaa saldhiggoodu wuxuu ahaa buurta la yiraahdo Gibraltar (Jabal Al-Daariq) ee ku taal albaabka u dhexeeya bad-waynta Atlantikada iyo badda dhexe.

Degmada Mersa Al-Kabiir waxay ku taal xeebta waqooyi-galbeed ee Al-jeeriya. Xilligaas Al-jeeriya waxay xisaabsaneyd gobol Faransa kamid ah ee Afrika ku yaal. Weerarka Force H ay ku qaadeen saldhiggii degmada, waxaa hoggaaminayay Admiral James Fownes Somerville. Heshiiskii ay Faransiisku isku dhiibeen dabadeed ayaa ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska Winstone Churchill wuxuu u soo qorey admiraalkan dhambaal uu ku amrayo in uu bur-buriyo saldhigga Fransiiska ee fadhiya marsada wayn. Ra’iisul-wasaaruhu wuxuu ogsoonaa ciidanka Ingiriiska ah ee weerarka qaadaya iyo kuwa Faransiiska ah ee la weerarayo in ay ahaayeen kuwo saaxiibo ahaa oo is-kaashanayay muddadii uu dagaalku socdey. Misana duruuf adag ayaa keentey in la bur-buriyo. Sidaa darteed ayuu dhambaalkii uu u qorey admiraalka Ingiriiska ah wuxuu ku yiri sidaan:

“ Waxaad ku xukman tahay waajib la siiyo admiral Ingiriis ah kii weligiis ugu kharaaraa. Laakiin annagu si buuxda ayaanu kuugu kalsoonnahay, waana aan rumeysannahay inaad si arxan-darri ah u fulineysid waajibkaas “. (http://en.wikipedia.org/wiki/Attack_on_Mers-el-Kébir)

Admiraal Somerville oo ahaa sarkaal daacad u ahaa dowladdiisii, kama uusan shakin fulinta amarkii la siiyey. Bal markii uu khabarka soo gaarey, dhambaal digniin ah ayuu u direy Admiral Marcel-Buno Gensoul oo ahaa madaxa saldhigga Fransiiska. Wuxuu u sheegey maadaama dowladdii Faransa ay is-dhiibtey, in uu safka Jarmalka ka soo baxo oo ku soo biro safka Ingiriiska. Isla-markaas uusan jirin wakhti uu jawaab kaga sugo. Friintii uu admiraalkii Ingiriiska ahaa u direy admiraalkii Faransiiska waxaa kamid ahaa sidaan:

“ U soo shiraaco xaggayaga oo nagala qeyb-gal dagaalka aanu Jarmalka kula jirno illaa aanu ka guuleysaneyno. Ama u shiraaco xagga dekadaha Ingiriiska iyo degaanada aanu maamulno. Haddiise aad dooneyso in maraakiibtaada aanan loo adeegsan dagaalka lagula jiro Jarmalka si aadan u jebin heshiiska xabbad-joojinta ah, haddaba aynu is-raacno oo aynu u shiraacanno jasiiradaha uu Faransiisku gumeysto oo ay kamid tahay Martinique (koonfur Amerika). Halkaas ayaa hubka looga dhigayaa ama waxaa lagu wareejinayaa Jamciyadda Ummadaha. Halkaas ayay ku nabadgelayaan muddada dagaalka ka harey. Ciidanka maraakiibta la socda waxaa loo soo dhoofinayaa waddankoodii. Haddii aad fuliso qodobadaas mid kamid ah, maraakiibtaadu waxay noqonayaan kuwo loo celiyo dalkoodii dagaalka dabadiis. Ama mag-dhow buuxa ayaad ka heleysaan wixii dhaawac ah ee soo gaarey muddadii dagaalka lagu jirey. Haddiise aad ka madax-adeygto qodobadaas, aniga oo ka xun waxaan ku khasbanahay inaan kuu sheego inaan muddo lix saacadood ah ku dejinayo maraakiibtaada. Ugu danbeyntii haddii lagu guul dareysto arimahaas aan dusha ku soo sheegey, amarka aan ka heysto dowladda boqortooyada ah wuxuu yahay inaan ku dhaqaaqo tallabo kasta oo suuragal ah si aan uga hor-tago in maraakiibtiina ayan gelin gacmaha Jarmalka “. (Isla-marjicii hore).

Admiraal Jean Louis Darlan, oo ahaa taliyihii guud ee ciidanka badda Faransa ma ayan gaarin digniinta ciidankiisa fadhiya mersada wayn ay ka heleen Ingiriiska. Wakhtiga oo yaraa awgiis, dooddii ma ayan soo dhaafin labadii admiraal ee is hor-fadhiyay. Waxaa muuqatey in mid waliba uu ku adkeystey mowqifka dowladdiisii. 3/ 7- 1940-kii, goor ay casarkii tahay ayaa waxaa bilowdey weerarkii Ingiriiska uu ku qaadey saldhiggii marsada wayn. Weerarkaas oo lagu magacaabo Attack on Mers-el-Kébir, ayaa dhanka Ingiriiska waxaa ka qeyb-qaatey saddex markab oo waawayn oo kuwa dagaalka ah. Iyagu waxay kala ahaayeen HMS Hood – 51, HMS Valianta – 1914 iyo HMS – 09. Waxaa kaloo ka qeyb-qaatey markab ah kuwa dayuuradaha qaada, kaas oo la yiraahdo HMS Ark-Royal oo ay weheliyaan raxan maraakiib ah oo ah kuwa gantaallada xambaara iyo 11 kuwa wax bur-buriya. Faransiiska waxaa marsada ka joogey 10 markab oo kala ahaa 2 gantaallo-xambaar ah, 2 kuwa lagu dagaalamo ah iyo 6 kuwa wax bur-buriya ah. Maraakiibta Faransiiska maaheyn kuwo dagaal u diyaar ahaa. Isla-markaas waxay ku sugnaayeen dekad ciriiri ah. Qaar maraakiibta kamid ah waxay ku jireen meelo xagal ah oo ayan ka dagaalami karin.

Maraakiibtii Ingiriiska ayaa madaafiic ku bilaabey saldhiggii. Muddo saacad ah markii uu weerarku socdey, madaafiicdii Ingiriiska waxay dabkoodii la haleen markab wayn oo kuwa dagaalka ah kaas oo la yiraahdo Bretagne. Bakhaar kamid ah bakhaaradii markabka ayaa dabkii uu qabsadey. Taasi waxay dhalisey in markabkii gubto oo ku dego badda salkeedii. Markabkaas waxaa Fransiiskii ka qabsadey dhaawacii ugu waynaa ee dhimashada ciidanka. Waxaa ku dhintey 977 nin. Muddo laba saacadood ah ayay ku qaadatey in ciidamadii Faransa ay u jawaabaan ciidamadii Ingiriiska. Muddadaas ayaa markab kuwa dagaalka ah oo la yiraahdo Strasbourg, wuxuu ku guuleystey in si nabad ah uu dekadda uga furto, dabadeedna u shiraacdo dhanka badda. Waxaa la shiraacdey shan markab oo kuwa wax bur-buriya ah. Maraakiibtaas ayaa waxay dhabarka ka soo weerareen maraakiibtii Ingiriiska ee soo duqeynayay. Dabadeed maraakiibtii Ingiriiska waa ay baxsadeen. Dayuuradihii Ingiriiska ayaa markaas weerar ku bilaabey maraakiibtii Faransiiska ee badda joogey. Waxaa kaloo dayuuradihii Faransiiska ay duqeyn ku bilaabeen buurta Jabal Al-Daariq. Dagaalkii wuxuu ku dhamaadey iyada oo Faransiiskii ay ka dhinteen 1.296 oo ciidankiisii ah. Waxaa ka dhaawacmey 350 nin. Jarmalkii waxay heleen fursad ay faafiyaan dicaayad ka dhan ah Ingiriiska.

Casharkii 25aad

July 7, 2012

Jarmalkii waxaa gacanta u galay waddamadii ku yiil bartamha iyo galbeedka qaaradda Yurub, marka laga reebo dalka Ingiriiska oo isago ah jasiirad ku dhex-taal bad-weynta Atlantikada. Shucuubtii ku dhaqneyd iyo dowladihii u talinayay waddamadaas waa uu ka saad-caleeyey, markaas ayaa madaxdii Jarmalka waxay isu arkeen in ay ku guuleysteen dagaalkii. Hoggaamiyihii Nazi-ga Adolf Hitler waxaa markii hore u muuqatey in uusan weerar ku qaadin dalka Ingiriiska, bal uu wada-hadal nabadeed u furo. Laakiin barlamaankii u talinayay Ingiriiska iyo raggii u hayay ceynaanka siyaasadda marna kuma ayan qancin, in ay wada-hadal la yeeshaan Jarmal oo gacanta ku haya qaaraddii Yurub. Ingiriisku waxay diidanaayeen in ay miiska fariistaan iyaga oo taag-daran, sidaasna loogu yeersho wixii laga doonaayo dalkeeda iyo waddamadii ay gacanta ku-hayeen. Si haddaba ayan taas u dhicin, diidmo ayay ka hor-keeneen isku-dey walba oo Jarmalku uu ku doonayay wada-hadalka nabadeed.

Dowladda Ingiriiska, inkasta oo ay diidey wada-hadalka nabadeed, misana waa u muuqatey in Jarmalku uu u gacan bannaanaadey in uu soo weeraro. Haddey taasi dhacdona in ay dagaalka keli ku noqonayaan. Laakiin waa ay go’aansadeen khasaaro kasta ha baxee, in ay u dhabar-adeygaan weerarka Jarmalka. Ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska Winston Churchill, isaga oo dad-weynihiisii kala hadlaya arintaas ayuu khudbad u jeediyey uu ku dhiiri-gelinayo. Khudbaddaas oo uu jeediyey 18/ 6- 1940-kii, ereyadeeda dhaxal-galka noqdey ee la xuso waxaa kamid ahaa:

“ Jeneral Weygand markii uu ku dhawaaqey in dagaalkii Faransa uu joogsadey, ayaa dagaalkii Ingiriiska wuxuu ku dhowaadey in uu bilowdo. Awoodda iyo qaxarka uu cadowgu leeyahay, dhamaan waa in ay si deg-deg ah leynoogu soo weeraraa. Hitler waa uu ogsoon yahay in ama uu bur-burinayo jasiiraddan (Ingiriiska) ama uu ku khasaarayo dagaalka. Haddii aanu awood u yeelanno in aanu hor-joogsanno (Jarmalka), Yurub oo dhan ayaa xor noqoneysa, noloshii adduunkuna si waasac ah ayay horey ugu soconeysaa, iyada oo higsaneysa buuro dushood iyo kaaha qorraxda. Laakiin haddii aanu guuldareysanno, caalamka oo idil, oo Mareekan uu ku jir, oo ay ku jiraan intii aanu naqaan oo aanu xanaannada ku heyno, wuxuu u hoobanayaa daadeg hooseeya iyo xilli gudcur ah. Wuxuu noqonayaa meel sharteedu badan tahay oo ay suuragal tahay in muddo dheer aanu ka jeensano iftiinka iyo aqoonta toosan. Haddaba aynu naftayada u diyaarinno waajibaadka ina hor-yaal “. (http://www.warandgame.info/2008/08/landing-operation-against-england.html).

Hoggaamiyihii Nazi-ga Adolf Hitler, isaguna waxaa u muuqatey in dalka Ingiriiska uu yahay meesha keliya oo imbraadooriyaddiisa ay uga iman karto khatar. Wuxuu markaas guddoomiyey in la weeraro, taas oo uu markii hore ku doonayay in Ingiriisku uu ku jilco dabadeed uu oggolaado wada-hadalka. Haddiise taas la waayo in gebigiis la qabsado. Waxaa jirey qorshe dagaal oo horey loo dejiyey kaas oo ku wajahnaa Ingiriiska. Sarkaalka la yiraahdo Admiraal/ Sare Erich Johann Raeder oo ahaa taliyihii ciidanka badda ee Nazi-ga, ayaa qorshahaas dejiyay xilligii uu Jarmalku weerarey dalka Poland. Qorshahaas oo magaciisu ahaa Libaaxii Badda (Operation Sea-Lion) ayaa wuxuu ka koobnaa tallaabooyin afar ah oo hor-dhac u ahaa in ciidanka cagta ee Jarmalka ay gaaraan ciidda jasiiradda Ingiriiska si ay u weeraraan dabadeedna ama ugu khasbaan wada-hadal ama u qabtaan. Qurshuhu wuxuu ahaa in marka hore la hakiyo ama la baabi’iyo awoodda ciidanka badda ee Ingiriiska si ayan weerar u soo qaadin. In la wiiqo awoodda ciidanka cirka ee Ingiriiska. In la taag-yareeyo awoodda aagagga difaaca hore ee Ingiriiska iyo in la hakiyo weerar kasta oo rogaal-celis ah, kaas oo la filayo ciidamada cagta ee Ingiriiska in ay soo qaadaan.

Bilowgii dagaalka, maraakiibtii dagaalka ee Ingiriisku waxay ahaayeen ku kala baahsan badaha adduunka. Laakiin muddadii uu dagaalku socdey ayay si wanaagsan isu-ururiyeen una diyaar-garoobeen. Waxaa kaloo Ingiriisku ay xilligaas horey u mariyeen aqoonta raadaarada iyo raadiyayaasha ay ciidanku adeegsadaan. Fursadda ah in ciidamadooda ay ogaallada isu gudbiyaan, waxay ahayd mid aad u sareysey midda Jarmalka. Sidoo kale waxay Jarmalka kaga horeeyeen xagga sir-doonka. Laakiin Jarmalka oo ku guuleystey in uu gacanta ku dhigo qaaradda Yurub, waxaa ka go’neyd, Ingiriiska iyo dhulalka uu ka taliyo in ay hoos yimaadaan dowladda Nazi-ga ah. Wareegto uu Hitler soo saarey 16/ 7- 1940-kii ayuu arinkaas ku xusey. Wareegtadaas oo lambarkeedu ahaa Directive Nr. 16, Adolf Hitler 16-th july 1940, waxaa ku qornaa:

“ Inkasta oo xaaladda ciidameed ee Ingiriisku ay ku sugan tahay rajo-dhigid, misana weli iigama muuqato ishaarooyin ay ku doonayaan musaalaxo. Aniguna waxaan go’aansadey in aan diyaargaroobo, haddii loo baahdona aan fuliyo qorshe aan ciidan ku dejinayo dhulkooda. Qorshahaasna waxaan uga dan leeyahay inaan baabi’iyo in ciidda Ingiriiska ayan noqon saldhig si joogto ah looga soo duulo Jarmalka. Haddii ay suuragal tahayna in aanu qabsano dalka (Ingiriiska) “. (http://en.wikipedia.org/wiki/Operation_Sea_Lion#cite_note-Cox159-4).

Jarmalku wuxuu markaas diyaariyey saddex ciidan oo guud ahaan tiradoodu ay dhan-tahay 160,000 oo nin, kuwaas oo ku wajahnaa in ay qabtaan degmooyinka ku yaal xeebaha koonfureed. Ciidankaas saddexda ah waxay isugu jireen 6 gaas oo ka tirsan qeybta A. Waajibkoodu wuxuu ahaa in ay weeraraan degmooyinka Ramsgate, Folkstone iyo Bexhill. 4 gaas oo iyaguna ka tirsanaa qeybta A. Waajibkoodu wuxuu ahaa in ay weeraraan degmooyinka Sussex iyo Hampshire. Ciidanka saddexaad waxay ahaayeen 3 gaas oo ka tirsanaa qeybta B. Waajibkoodu wuxuu ahaa in ay weeraraan degmada Dorset. Degmooyinkaas ayaa dhamaantood waxay ku taxan-yihiin xeebta koonfureed ee dalka Ingiriiska. Gaasaskan Jarmalka ah qudhoodu waxay ku firirsanaayeen masaafo 40 mail ah ee ku dhacda xeebaha dhanka bari ee kanaalka Ingiriiska (English Channel). Ciidankan waxay heysteen qalabkii dagaalka, gaadiidkii iyo gawaaridii gaashaannaa. Waxaa u weheliyey 2,000 oo doonyo ah, kuwaas oo isugu jira yar-yar iyo waaweyn.

Si loo fuliyo weerarka degmooyinkaas, waa in marka hore la hirgeliyaa tallaabooyinka hor-dhaca ah. Kaas oo uu ugu hilan cuslaa weerarka xagga cirka. Taliyihii ciidanka cirka ee Jarmalka Reichs-marschall Herman Göring, wuxuu u caddeeyey hoggaamiyihiisii Jarmalka in weerarka xagga cirka ah uu ku filan yahay in Ingiriiska dhaawac xooggan loo geysto. Dabadeed wuxuu soo bandhigey qorshihii weerarka cirka, kaas oo ay ku magacaabeen Maalintii Gor-gorka (Eagle’s Day). Duulaankaasi wuxuu noqdey weerarkii ugu xoogganaa ee taariikhda ka dhex-dhaca laba ciidan oo hawada ku dagaalama. Ciidankii cirka ee Jarmalku (Luftwaffe), marka uu dagaalku bilaabanayay wuxuu lahaa 2,555 dayuuradood. Waxay isugu jireen kuwo lagu weerartamo (fighters) iyo kuwa xambaara bambooyinka (bombers). Waxaa ciidankaas hoggaaminayay Reichs-marschall Herman Göring. Ciidanka waxaa loo qeybiyay saddex qeybood. Qeybta 2-aad oo uu hoggaaminayay Field Marshall Albert Kesselring. Waxay qaabilsanaayeen weerarka habeennimada ah. Qeybta 3-aad oo uu odey ka ahaa Field Marshall Hugo Sperrle. Waxay qaabilsanaayeen burburinta xarumaha ciidamada iyo wershadahooda. Qeybta 5-aad oo uu odey ka ahaa Colonel General Hans-Jurgen Stumpff. Waxay qaabilsanaayeen weerarka guud.

Ciidanka cirka ee Ingiriiska RAF (Royal Air Force), markaas uu dagaalku bilaabanayay, iyaguna waxay lahaayeen 1,963 oo dayuuradood. Dhamaantood waxay ahaayeen dayuuradaha lagu weerartamo. Waxaa taliye u ahaa Marshall Hugh Dowding. Afar qeybood ayay ahaayeen oo waxaa kala hoggaaminayay Jeneral Quintin Brand (qeybta 10-aad), Jeneral Richard Saul (qeybta 11-aad), Marshall Keith Park (qeybta 12-aad) iyo Marshall Trafford Leigh-Mallory (qeybta 13-aad).

16/ 6- 1940-kii, Hitler wuxuu oggolaadey in la fuliyo qorshihii lagu weerari lahaa Ingiriiska. Isagu wuxuu rajo ka qabay in weerarka uu sabab u noqdo in Ingiriiska uu oggolaado wada-hadalka. Diyaargarowga weerarkaas wuxuu soo af-jarmey bartamaha bishii july 1941-kii, markaas oo weerarkii cirka uu ku bilowdey Ingiriiska. Duulaankan ayaa wuxuu kamid yahay colaadaha lagu xuso dagaal-weynihii II-aad ee adduunka, kaas oo xooggiisu uu socdey illaa 31-kii oktoober 1940kii. Labada qolo oo colaaddu ka dhexeysey, mid waliba wuxuu lahaa fursado uu dheer-yahay midda kale. Jarmalku wuxuu lahaa dayuurado ka casriyeysan kuwa Ingiriiska. Isla-markaas waxay heysteen fursad ah in muddo nus saac ah ay ku soo gaaraan meelaha ay duqeynayaan. Weerarkooda waxay ka soo qaadayeen waddamo Ingiriiska ku hareereysan oo ay horey u qabsadeen. Waxaa kamid ahaa Faransa, Beljam, Holand, iyo Norway. Waxaa kaloo ay lahaayeen dayuuradaha bambooyinka xambaara. Ingiriiska dhankiisa wuxuu lahaa fursad ah, in raadaarada dhulka u yaal uu ku hago dayuuradihiisa, kuna kashifo kuwa Jarmalka. Isla-markaas, hawada lagu dirirayo waa hawadii, taasina culimada istraateejiyadda dagaalka waxay u yaqaaniin (Interior Lines) oo waxay hiil u tahay ninka leh dhulka lagu dagaalamayo. Waxaa dhulka u yiil hubkii difaaca cirka ahaa. Duuliye kasta oo Jarmal u dhashey, haddii uu ka badbaado dayuurad dhacdey ama la gubey, markuu dhulka gaaro wuxuu noqonayay maxbuus oo gacan Ingiriis ayuu gelayey.

10/ 7- 1940-kii ayuu Jarmalku bilaabey weerarkiisii xagga cirka ahaa. Wuxuu ku bilaabey weerar aan xoog laheyn ee uu la beeganayay dekadaha ku yaal koonfurta dalka iyo raadaarada ku rakiban degaanka uu maro kanaalka la yiraahdo English Chanell. Waxaa u weheliyey dayuurado sahamo ah oo ay ku eeganayeen meelo istraateeji u ah Ingiriiska oo ay la damacsanaayeen in ay ku qaadaan weerar midkaan hore ka xooggan. Duulaamadaas waxay ku socdeen ciidda Ingiriiska bishii julay oo idil. Dabadeed waxaa jirtey dhacdo liifaddii dagaalka kor u dhigtey, taas oo uu ka danbeeyey duuliye Jarmal ah oo dayuuraddii ay la dhuntey. Ninkaas ayaa bambooyin ku daadiyey bartamaha magaalada London. Taasina waxay ahayd duqeyntii ugu horeysey ee magaalada hesha. Duuliyuhu amar uma uusan heysan in falkaas uu sameeyo, laakiin markii uu lumey ayay sidaas la noqotey.

Dhacdadaasi waxay ku beegneyd 1/ 8- 1940-kii. Ra’iisul-wasaarihii Ingiriiska Wiston Chirchull oo aad uga xumaadey weerarkaas ayaa wuxuu amar ku bixiyey in Jarmalka laga aarsado oo ciidanka cirka ee Ingiriiska (RAF) ay weeraraan magaalo-madaxda Jarmalka Berliin. Falkii aarsiga ahaa, Ingiriisku lama uusan daahin. Habeenka uu falku dhacayo habeenkii xigey ayaa Ingiriiskii 81 dayuuradood ay ku weerareen magaalo-madaxdii Jarmalka. Inkasta oo duqeyntii ay dayuuradahaasi geysteen ayan wax weyn u geysan Jarmalkii, misana weerarku wuxuu jebiyey qab-weynidii Hitler. Isagu weerarkaas dabadiis, si degdeg leh ayuu idaacadda uga hadley oo wuxuu yiri:

“ Haddii Ingiriisku ay duqeeyeen magaalooyinkayaga, annaguna kuwooda waanu aasi doonnaa “. (http://www.centennialofflight.gov/essay/Air_Power/Battle_of_Britain/AP22.htm).

Waxaa xigey wareegto uu soo saarey oo ciidankiisa circa uu ku amrayo in ay si deg-deg ah u bur-buriyaan ciidanka cirka ee Ingiriiska. Wareegtadaas oo lambarkeedu ahaa Directive Nr. 17, Adolf Hitler. 1/ 8- 1940. Qoraalkeedii waxaa kamid ahaa sidaan:

“ Ciidanka cirka ee Jarmalka (Luftwaffe) xoog wixii gacantooda ku jira, waa in ay sida ugu dhakhsaha badan uguna suuragashan u bur-buriyaan ciidanka cirka ee Ingiriiska. 5-ta bisha agosto ayaa suuragal ah in ay noqoto maalinta ay bilaabaneyso weerarkaas ballaaran. Laakiin maalinta saxda ah waxaan u deyney ciidanka cirka. Taasina waxay la xiriirtaa sida dhakhsaha ah oo diyaargarowgoodu uu ugu dhameystirmo iyo xaaladda hawada “. (http://www.centennialofflight.gov/essay/Air_Power/Battle_of_Britain/AP22.htm).

13/ 8- 1940-kii, dayuuradihii Jarmalka waxay bilaabeen in ay abbaaraan sidii ay u burburin lahaayeen cududda Ingiriiska ee xagga cirka ah. Waxay ku dadaaleen in ay cirkana ka ugaartaan dhulkana ku bur-buriyaan dayuuradihii Ingiriiska. Weerarka dayuuradaha Jarmalka waxay xoogga saareen dayuuradaha qeybta 11-aad oo iyagu masuul ka ahaa difaaca gobollada koonfureed ee dalka oo ay kamid tahay magaalo-madaxda London. 7-dii sebtember illaa 5-tii oktoober waxaa bilowdey duulaan aad uga xoog weyn kuwii hore. Waa duulaanka loo yaqaan Hillaacii Londom (London Blixt). Duqeyn aan loo aaba-yeelin ayaa heley dhismayaashii xaafadaha degmada. Duqeynta xoogga leh ee heshey magaalada London, waxaa ku weheliyey degmooyinka ay kamidka yihiin Bristol, Cardiff, Plymouth, Southampton iyo Swansea. Degmooyinka ay wershadaha ku yiileen qudhoodu kamid bey ahaayeen meelaha uu weerarku heley. Degmooyinkaas waxaa kamid ahaa Birmingham, Belfast, Coventry, Glasgow iyo Manchester.

Maalin xusid mudan ayaa jirta oo waxay tahay 15-kii sebtember. Inkasta oo ay jirtey maalmo labada ciidan uga khasaaro badnaa, misana maalintaas waxay la gaar aheyd laba weerar oo xooggan oo Jarmalku ay soo qaadeen maalinnimadii. Weerarkaasi wuxuu ka danbeeyey markii ay sir-doonka Jarmalka heleen khabar ah, hoggaankii ciidanka cirka ee Ingiriisku lahaa in uu sii bur-burayo. Dabadeed waxaa Jarmalkii ay go’aansadeen in ay is-raaciyaan ciidamada Ingiriiska ee sii bur-buraya. Khabarkaasi wuxuu ahaa mid aanan jirin, sidaa darteed weerarkoodii waxaa ka hor-yimid difaac adag. Maalintaas wixii ka danbeeyey, weerarka Jarmalku wuxuu isu beddeley in habeenkii keliya ay soo duulaan.

Ogaallada sirta ah oo Jarmalku ay ka haayeen ciidanka Ingiriiska aad ayay u yareyd. Sidaa darteed bambooyinkii Jarmalka xooggoodu waxay ku dhaceen meelo aanan ahmiyad ciidan laheyn. Taasi waxay u badbaadisey Ingiriiskii wershadihii soo saarayey qalabka lagu dagaalamayey. Sanadkii uu dagaalku socdey (1940-kii) Ingiriisku wuxuu soo saarey 1000 dayuuradood oo kuwa dagaalka ah, halka Jarmalka uu soo saarey 800 oo dayuuradood. Bishii oktoober Jarmalku waxay sii wadeen duqeymihii degmooyinka waaweyn iyo meelaha ay ku maleynayeen in ay ku yaaliin wershadaha wax soo-saarka leh. Laakiin weerarkoodii waxaa dhaawacay is-beddelkii xilli-sanadeedka. Waxaa la galey xilligii qaboobaha oo daruurihii ayaa ku soo batey hawadii jasiiradda. Jarmalku wuxuu dagaalka ku doonayey in uu niyad-jebiyo dadka Ingiriiska ah iyo ciidankooda. Wuxuu kaloo ku doonayay in uu dhaawac u geysto awoodda ciidan iyo awoodda dhaqaale ee Ingiriiska, haddii ay suuragal noqotona in uu qabsado. Saddexdii arimood middoondna uma hir-gelin.

Dagaalkii wuxuu joogsadey iyada oo tirade dayuuradaha ee laga gubey Ingiriiska ay ahaayeen 1,547 dayuuradood, kuwa Jarmalka laga gubeyna ay ahaayeen 1,887. Duuliyayaasha ka dhintey Ingiriiska tiradoodu waxay ahayd 544 duuliye, halka Jarmalku ay kaga dhinteen 2,698. Jarmalka waxaa intaas u weheliya waxaa maxaabiis ahaan looga qabtey 967 duuliye. Dagaalku wuxuu dhaawac xooggan ku keeney degmooyinkii waaweynaa ee Ingiriiska oo ay magaalo-madaxdii ugu horeyso. Wuxuu bur-buriyey dhisma-hoosaadkii dalka. Waxaa ku dhintey dad rayid ah oo tiradoodu ay gaareyso 41,000. Dadka ku dhaawacmey ee rayidka ahaa qudhoodu waxay dhamaayeen 139,000. (Companion to World War II. I.C. Dear & M.R. Foot. 2005, p. 109. London – UK).

Inkasta oo Jarmalkii uu geystey dhaawac u badan bur-burinta degmooyinkii iyo leyn dad rayid ah, misana waa uu ku guul-dareystey weerarkii xagga cirka ahaa ee uu ku qaadey Ingiriiska. Waxaa halkaas ku hakadey qorshihii ahaa Libaaxii Badda (Operation Sea Leion). Hoggaankii Jarmalkuna waxay is tusiyeen in imbraadooriyaddooda ay ku fidiyaan dhanka bari ee qaaradda Yurub. Waxay markaas bar-timaansadeen dowladda Midowga Soofyeeti. Weerarkaas oo ay xiiso u haayeen ayay bilaabeen in ay qorshihiisii iyo tabaabulkiisii guda-galaan, kaas oo ku magacwnaa Operation Barbarossa.

Faaladatan ii muuqda iyo felegga meeraaya
Fitnadaa siyaadiyo xarbada faaftey madaxoo dhan
Fasahaadda jahadii gashiyo foosaska is-dhaafi
Faan-faanka baaqdiyo tashiga lagu fadeexoobey
Foolxumida aadmiga mutiyo kala firdhaadkooda
Fin-finiinka khoofkiyo cabsida lala fallaagoobey
Fakashada la kala roori iyo uunka wada fiigey
Fadhi li’ida joogtiyo arlada firada duuleysa
Fooraha dhacaayiyo waxay fiintu ka ciyeyso
Fasallada samaankaan arkiyo ficilka ceebeede
Sidii leysu faambiyey qalbigu ima fiyoobeyne

Casharkii 26aad

August 3, 2012

Haddaanu dib ugu laabanno meertada taariikhda dagaal-weynihii II-aad, waxaa jirtey xilligii ay Jarmalku bilaabayeen mashruucooda dhul-boobka ah, xilligaas ayaa Talyaaniguna ay gashey qiiro middaas lamid ah. Isla-markaas Talyaanigu wuxuu iskula muuqdey in uu yahay dowlad awood leh oo heli karta guulo lamid ah midda uu Jarmalku heley. Meesha u muuqatey waxay markaas ahayd dowladaha ka dhisan koonfur-bari ee qaaradda Yurub. Waxaa kale oo xilligaas Talyaaniga dhiiri-gelinayay guulaha uu ka heley dagaallada ay ciidamadiisu ka galeen geeska Afrika (Soomaaliya iyo Ereteeriya), kuwaas oo uu ku qabsadey magaalo-madaxdii Itoobiya (Addis Ababa). Arin kale ayaa jirtey oo hoggaamiyaha Talyaaniga ku dirqineysey dagaalka degaanada koonfur-bari ee qaaradda Yurub. Waxay ahayd cabsida uu ka qabey in Jarmalka uu isku soo ballaariyo degaankaas, dabadeedna uu halkaas ku waayo masaalixdii ay Talyaanigu ku lahaayeen degaanada ku yaal badda dhexe (Mediterranean).

Meesha ugu horeysey oo Talyaanigu uu faduusha ku bilaabey waxay ahayd dowladda ka talisey dalka Albaaniya. Maamulka Fashiistada ah, tan iyo markii ay xukunka qabatey (1922-kii) wuxuu u arkayey gobolka Albaaniya meel istraateeji u ah dalkiisa. Sidaa darteed labada dal (Talyaani iyo Albaaniya) waxay dhigteen heshiis ay ku kala saxiixdeen magaalo-madaxda Albaaniya (Tirana) sanadkii 1926-kii. Heshiiskaas oo lagu magacaabey First Treaty of Tirana, ayaa wuxuu ahaa mid shirkadaha Talyaaniga u saamaxyey in ay soo saaraan macdanta ku jirta dalka Albaaniya. Isla-markaas lacago deyman ah ayuu Talyaanigu siiyey dalkaas uu heshiiska la dhigtey. Dhaqaalihii Abaaniya wuxuu noqdey mid si buuxda ugu xirma Talyaaniga. Sanadkii xigey (1927-kii) Talyaaniga iyo Albaaniya waxaa kaloo ay dhigteen heshiiskii labaad (The Second Treaty of Tirana), kaas oo ahaa heshiis is-difaac wada-jir ah. Talyaanigu wuxuu markaas la wareegey dhismaha, tababarka iyo qalabeynta ciidamada Albaaniya.

Boqorkii Albaaniya Zog I-aad (Axmad Mukhtaar) kuma uusan qancin in dhaqaalihiisa iyo ciidankiisa ay si buuxa u maamulaan Talyaaniga. Sidaa darteed, sanadkii 1931-kii wuxuu diidey in uu Talyaaniga u dheereeye heshiiskii dhaqaale ee ka dhexeeyey labada waddan. Sanadkii 1934-kii dowladda Albaaniya waxay heshiis dhaqaale la dhigatey waddamada Griig iyo Yugoslaafiya. Benito Mussolini ma uusan jecleysan heshiiskaas. Sidaa darteed, markii uu Jarmalku qabsadey waddamada Austria iyo Jekoslofaakiya, Benito Mussolini wuxuu isu arkey isaguna in uu xaq u yeeshey in uu qabsado Albaaniya. Sidaasna uu kula xulufoobo huwanta xuddunta ah oo Jarmalku hor-kacayo.

Talyaanigii wuxuu markaas culeys ku saarey qaabkii ay Albaaniya u bixin laheyd lacagta dul-saarka ah ee uu ku lahaa. Markii Albaaniya ay awoodi weydey, Talyaanigii wuxuu codsadey in loo oggolaado in ay si toos ah u farageliyaan howlaha cashuuraha ee dalka. Isla-markaas ay si buuxda u kontroolaan sokorta dalka Albaaniya iyo tellegaraamyada, iyaga oo isla-markaas la wareegey korontada dalka. Iyada oo xaaladdu ay sidaas tahay ayaa dowladdii Talyaaniga waxay codsatey in dugsiyada Albaaniya dhamaantood lagu dhigo afka Talyaaniga. Boqorkii Albaaniya Zog I-aad, wuxuu bilaabey tallaabooyin gadood ah oo uu ku yareynaayo cadaadiska uu Talyaanigu ku haayo dowladdiisa. Waxaa kamid ahaa in uu dalka ka eryo dhamaan khuburadii ciidamada ee Talyaaniga ahaa. Wuxuu soo saarey xeer ay dowladda Albaaniya kula wareegeyso shirkadihii Talyaanigu lahaa iyo dugsiyadii kaatooligga ahaa oo Talyaanigu ay ka fureen dalka. Dabadeed wuxuu bilaabey in uu xiriir siyaasadeed ka raadiyo dowlado ay kamid yihiin Faransa, Jarmalka iyo dowladaha Balkaan.

Benito Mussolini, wuxuu ku dhaqaaqey in uu dowladda Albaaniya uga jawaabo tallaabooyin ku lid ah. Markii Hitler uu qabsadey dalka Chekoslovakia oo ahayd 15/3- 1939-kii, toban cisho dabadeed (25/ 3-1939-kii ayuu Mussolini wuxuu dhambaal u direy boqorkii Albaniya Zog I-aad. Wuxuu amrey in maamulka dalka Albaaniya uu hoos-keeno Talyaaniga si uu ula midoobo. Inkasta oo Albaaniya ay tahay dal ka yar kana tabar-yar Talyaaniga, misana boqor Zog I-aad waa uu diidey arintaas. Waxaa xigey maraakiibtii dagaalka Talyaaniga in ay soo dhoobtaan xeebaha Albaaniya. Maalin Jimce ah oo ku began 7/ 4- 1939-kii ayaa ciidamadii Talyaaniga ay ku soo degeen ciidda Albaaniya. Maalintaas ayaa Talyaaniga looga yaqaan Jimcihii wanaagsanaa (Good Friday).

Ciidamadii Albaaniya oo aad u dayacnaa una tabar-yaraa, ma ayan sameyn iska-caabin xooggan. Taasi waxay dhalisey in boqor Zog I-aad iyo xaaskiisii Geraldine Appony ay u baxsadaan dalka Giriigga. Dabadeedna ay London u qaxaan. Waxaa xigey, markey taariikhdu ahayd 12/ 4- 1939-kii, in barlamaankii Albaaniya uu Talyaaniga isu-dhiibo. Sidaasna uu dalka boqor ugu noqdo boqorkii Talyaaniga Vittorio Emanuele III-aad. Dowladdii Albaaniya waxay noqotey mid maqaar-saar ah oo uu odey ka noqdey nin la yiraahdo Shefqet Verlaci. Tallaabo fal-celis ah ayuu Ingiriisku markaas qaadey oo uu ku qabsanayo jasiirado kamid ah dalka Giriigga. Taasina waxay ka danbeysey markii ay labada dal ku heshiiyeen arintaas si looga hor-tago in Talyaaniga uu weerar ku soo qaado waddamada ku yaal buuraha Balkaan. Degaankii ugu horeysey ee uu eegtey wuxuu ahaa gobol ku yaal waqooyiga Albaaniya ee la yiraahdo (Epirus). Xilligaas wuxuu ahaa mid ka madax-bannaanaa maamulka dalka Albaaniya. Dadka ku dhaqan ayaa badankiisu waxay ka soo jeedaan Giriig.

8/ 10- 1940-kii, Talyaanigu wuxuu bilaabey in uu weerar ku qabsado gobolkaas si uu taladiisa ula wareego. Dowladda Griigga oo la deris ah ayaa ka xumaatey weerarkaas uu Talyaanigu qaadey. Iyagu waxay arkayeen in iyagana loo soo socdo. Inkasta oo laga tiro iyo xoog weynaa, misana Giriigga dagaalkii ayay soo galeen. Weeraro dhuumaaleysi ah ayaa ciidamadii Giriigga ay bilaabeen taas oo Talyaanigii ku keentey in uu degaanka caga-dhigan waayo. Bishii maarso 1941-kii Talyaanigu wuxuu soo abaabuley weerar xooggan oo uu ku doonayay in uu ku soo af-jaro ka talinta gobolka Epirus. Ciidan ka kooban 11 qeybood ayuu soo dagaal-geliyey, kuwaas oo uu hoggaaminayey Jeneraal Carlo Geloso. Qorshaha weerarkan magaca uu sitey wuxuu ahaa Deyrtii Talyaaniga (Italian Primavera). 2/ 3- 1941-kii, idaacadda Roma waxay sheegtey, hoggaamiyihii dalka Talyaaniga Benito Mussolini, in uu hor-kacayo ciidanka si uu u xoojiyo niyadda skartiisa. Isagu wuxuu doonayey in uu gobolkaas qabsado inteeyan Jarmalku soo gaarin degaanka. (Stephanos Zōtos. Greece: The Struggle for freedom. 1967. Crowell. p. 39).

Ciidanka Giriigga ah ee xilligaas ku sugnaa gobolka Epirus xooggoodu wuxuu ahaa 6 qeybood. Waxaa hoggaaminayay Jeneral Alexander Papagos. 9/ 3—1941-kii aya ciidamadii Talyaaniga waxay dagaalkii ku bilaabeen duqeyn xooggan oo ay adeegsanayeen madaafiic iyo dayuurado. Waxay dabkooda la beeganayeen fariisimaha ciidamada Giriigga. Dagaalku wuxuu socdey hal toddobaad. Sida la ogsoon yahay, xoogga dayuuradaha iyo madaafiicdu maahan kuwo door weyn ka qaata dagaallada. Gaar ahaan haddii lagula dirirayo xoog jabhad ah. Sidaa darteed wax dhaawac ah ma ayan geysan. Ciidankii cagta ee Talyaaniga, markii ay dagaalka soo galeen, dhaawac badan ayaa sloo geystey, kumana ayan guuleysan in ay qabsadaan gobolkii ay doonayeen. Guul-darradii Talyaaniga soo gaartey waxay ahayd jabkii ugu horeeyey oo is-baheysiga xuddunta (Axis) soo gaara tan iyo intii uu dagaalkii II-aad bilowdey.

Talyaanigii waxay markaas guddoonsadeen in ay toos u weeraraan dalka Giriigga. Mussolini wuxuu is-tusiyey, haddii uu ku guuleysto dagaalkan in uu boos adag ka helayo loolanka adduunka ka socda. Isaga oo ku faraxsan duulaankan ayuu wuxuu yiri:

“ Hitler wuxuu mar walba i tusaaleeyaa arin waaqic ah. Haddase waxaan siinayaa oo aan ku celinayaa sunuuddiisii. Markii aan qabsado dalka Giriigga, isagu wuxuu ka baxayaa dhigaalka wargeesyada “. (The Ciano Diaries. Galeazzo Ciano. 1946. P. 247. Roma – Italy).

28/ 10- 1940-kii, Emanuele Grazzi oo ahaa danjirihii Talyaaniga u fadhiyey Athens (Griig) ayaa ra’iisul-wasaarihii Griigga (Ioannis Metaxas) wuxuu gaarsiiyey dhambaal uu ka-sidey Benito Mussolini. Hoggaamiyaha Fashiistada wuxuu ra’iisul-wasaaraha ka codsadey, muddo saddex saacadood ah in uu ku oggolaado in Talyaaniga looga kaco meelo dhul-xeebeed ah iyo jasiirado ku yaal meelo istraateeji ah. Sidaa darteedna Giriiggu ay u oggolaadaan ciidamada Talyaaniga in ay si xor ah u dhex-maraan dhulkooda si ay u gaaraan meelaha ay dalbadeen. Ra’iisul-wasaarihii Giriigga Ioannis Metaxas waa uu diidey dalabkii Mussolini, wuxuuna kaga jawaabey sidaan: Taasi waxaan ka xigaa dagaal. Diidmadaas uu Ioannis Metaxas kaga jawaabey dhambaalkii Mussolini, waddanka Giriigga iyo dadkiisaba waa ay u damaashaadaan oo waxay yiraahdaan Maalintii Mayada (Ohi Day).

Sidaas ayaa isla-maalintaas (28/ 10- 1940-kii) waxaa ku bilowdey weerarka la magac-baxay Greco-Italian War. Talyaaniga wuxuu weerarkan ku doonayey in uu gacanta ku dhigo marimada istraateejiga ah ee Giriigga mara. Waxaa kamid ah jasiiradaha leysku yiraahdo Ionian Islands iyo jasiiradaha ku yaal badda Agean (Agean Islands). Baddaas ayaa waxay xiriirisaa badda dhexe (Mediterranean) iyo badda Madow (Black Sea). Labaatan qeybood oo ciidankii Talyaaniga ahaa ayaa ka qeyb-qaatey weerarkan. Siddeed qeybood waxay diyaar ku ahaayeen dalka Albaaniya oo ay horey u galeen. Wadar ciidankaas tiradiisu waxay dhameyd 565,000 oo nin. Waxaa weheliyey 463 oo dayuuradood. Ciidamada Giriigga waxay tiradoodu markaas ahayd 300,000 oo nin. Tirada dayuuradaha ay heysteen waxay ahaayeen 77 dayuuradood. Jeneraal Pietro Badoglio (sarkaalkii Itoobiya qabtey) iyo Jeneraal Mario Roatta (abaanduulihii ciidamada Talyaaniga), waxay ahaayeen labada sarkaal oo ugu dhowaa Mussolini. Labaduba waxay u sheegeen in ciidanka intaas le’eg ay ku qabsan karaan Giriig.

Weerarku wuxuu ka bilowdey xuduudda waqooyi oo Giriiggu uu la leeyahay Albaaniya. Gaar ahaa gobolka buuraleyda ah ee la yiraahdo Epirus. Ciidankii Talyaaniga wax yar oo hor u-mar ah ayay ka gaareen dagaalkaas. Dabadeed ayaamihii ugu horeeyey ee bishii nofember 1940-kii, waxaa dhacay dagaal mug weyn oo weerarkiisa ay Talyaanigu soo qaadeen. Dagaalkaas oo loo yqaan (The Battle of Elaia-Kalmas) ayaa waxaa loogu magac-darey webiga Kalmas ee ku yaal waqooyiga Giriigga. Isla-gobolkii Epirus xadkiisa ayuu weerarkan ka dhacay. Inkasta oo weerarkan uu ahaa mid Talyaanigu ay si xoog-weyn u soo galeen, misana wax guul ah kama ayan gaarin. Waxaa kale oo jirey aag kale oo Talyaanigu ay weerar xooggan ku qaadeen, kaas oo ahaa dhulka ay ku dhacaan buuraha Pundus. Waxaa xusid mudan sarkaalkii odeyga u ahaa ciidamada Talyaaniga ka fadhiyey Albaaniya Jeneraal Visconti Prasca, in uu dowladdiisii u tilmaamey in uu si sahlan ku qaban karo aagga buuraha Pundus. Dabadeedna ay ciidankiisu toos u geli karaan magaalo-madaxda Giriig (Athens). Laakiin aragtidiisii waxay beenowdey markii dagaalku biowdey oo ciidankiisii waa ay jabeen.

Giriigga waxaa gacan siiyey dhulka qallafsan oo buuraha ah iyo iyagoo si wanaagsan isu qeybiyey. Waxaa kale oo ay si deg-deg ah u helyeen gargaar uga imanayey dad-weynaha ku dhaqan degaanka. Taasi waxay sababtey meel kasta oo ay qabsadaan in dib looga kiciyo. 13/ 11- 1940-kii, ciidamadii Talyaaniga waxaa laga saarey dhamaan dhulkii ay Giriigga ka qabsadeen. Xataa Talyaanigii waxaa laga qabsadey tuulooyin dhowr ah ee ku yaal koonfurta dalka Albaaniya, kuwaas oo uu horey u heystey.

Muddo gaaban dabadeed dagaalladii weynaa waa ay kakadeen. Sababtu waxay ahayd waxaa bilowdey xilligii qaboobaha. Markiise uu dhamaadey qaboobihii, Mussolini wuxuu layimid qorshe dagaal rogaal-celis ah. Hoggaamiyihii Fashiistada, wuxuu markaas soo fariistey Albaaniya, si uu ugu soo dhowaado fagaaraha ay colaaddu ka jirto. Dagaalkaas oo bilowdey 9/ 3- 1941-kii, ayaa Talyaanigu wuxuu ku soo weerar-tegey ciidan gaaraya 55.000 oo nin. Inkasta oo uu ka hub wanaagsanaa Giriigga, misana khasaaro xoog-weyn ayaa soo gaarey ciidamadiisii. Muddo hal toddobaad ah ayaa dhowr iyo toban kun oo ciidamadii Talyaaniga ah waxaa laga yeeley wax la diley iyo wax la dhaawacay. (Greece in World War II. Heinz A. Richter. 1998. p. 119. Greece – Athens).

Casharkii 27-aad

September 11, 2012

Sidii caadada u ahayd ayaa dowladda Jarmalka, iyada oo wax sabab ah ayan jirin waxay dejisey qorshe weerar oo ku wajahan degaanka koonfur-bari ee qaaradda Yurub. Gaar ahaan degaanka buuraha Balkaan iyo dalka Giriigga. Qorshahaas oo magaciisu ahaa Operation Marita ayaa ku tallaabsigiisii wuxuu yeeshey saddex dhacdo oo hor-dhac u noqdey, kuwaas oo dedejiyay fulintiisii. Midda koowaad waxay ahayd dhaawacii Talyaaniga ka soo gaarey dagaalkii uu ku qaadey Albaaniya. Waxaa arinkii dhibsadey nadaamkii Nazi-ga ahaa oo curad u ahaa xoogagga is-baheysiga xuddunta (Axis Powers). Waxaa xusid mudan, tan iyo markuu dagaalku bilowdey in ciidamada Jarmalku ay ahaayeen kuwo guushu ay dhankooda jirtey. Khasaarahan Talyaaniga gaarey ayaa wuxuu ahaa midkii ugu horeeyey ee ku yimaada ciidamada is-bheysiga xuddunta. Dowladdii Jarmalka waxaa markaas ku dhashey cabsi ah, khasaaraha Talyaaniga kaga dhacay Albaaniya in uu hor-joogsado guushii taxanaha ahayd ee ciidamada xuddunta ay ku gacan-sareeyeen dagaalka. Taasina ay bilow u noqoto bur-bur ku yimaada mashruucii colaadda ay u ololeynayeen. Sidaas ayaa jabkii Talyaaniga uu uga mid noqdey dhacdooyinka dedejiyey damacii Jarmalka uu ku qabsan lahaa Balkaan iyo dalka Giriigga.

Dhacdo kale waxay ahayd tallaabo uu qaadey ra´iisul-wasaarihii Ingiriiska Winston Churchill, kaas oo qudhiisu ay cabsi ku abuurtey weerarkii Talyaaniga uu ku qaadey Albania. Churchill, si uu uga hor-tago foofka Talyaaniga ee bariga qaaradda Yurub, wuxuu dowladda Giriigga u furey wada-hadal iskaashi-ciidameed. Laba nin ayuu u xil-saarey arintaas oo waxay ahaayeen wasiirkiisii dibadda Anthony Eden iyo sarkaal la yiraahdo Sir. Jhon Dill. Dabayaaqadii bishii jeewari ayaa labadii masuul waxay gaareen magaalo-madaxdii Giriig (Athens). Waxay halkaas kula kulmeen Boqorkii Giriigga George II, ra´iisul-wasaarihiisii Alexandros Koryzis iyo taliyihii ciidanka Jeneraal Aelxandros Papagos. Kulankii raggaas waxaa ka soo baxay heshiis ah in dalka Giriigga fariisimo laga-siiyo cuntubyo ka tirsan ciidamo ka socda waddmada Barwaaqo-sooranka (Common-wealth) oo Ingiriisku odeyga u yahay. Waxaa looga hor-tegayay weerarka Talyaaniga uu ku soo qaadey dalka Albania in uusan soo gaarin dalka Giriigga. Isla-mrkaas ay qorshe mid ah ka yeeshaan dagaalka.

2/ 3- 1941-kii waxaa bilowdey qorshe uu Ingiriisku ku magacaabey Operation Lustre. Wuxuu ahaa daad-gureyn ciidamo ka socda waddamada barwaaqo-sooraka. Waxay isugu jireen Ingiriis, Australia, New Zealand iyo Poland. Waxaa kaloo weheliyey ciidamo Falastiin ah iyo kuwo Cypriot ah. Waxaa iyaguna jiray qeybo kamid ah ciidanka cirka ee Ingiriiska, kuwaas oo la dejiyey garoomo ku yaal bartamaha iyo koonfurta dalka Giriigga. Ciidanka cirka wxaa odey ahaa Sir Jhon D´Albiac. Ciidamadaas ayaa wadartooda magaca ay lahaayeen wuxuu ahaa W-Force. Tiradoodu waxay gaarsiisneyd 62.612 oo nin. Si guud waxaa odey u ahaa Sir. Henry Maitland Wilson, kaas oo dhalashadiisu Ingiriis tahay. Iyagu waxay kamid ahaayeen ciidan horey loogu ururshey xeebaha waqooyi ee dalka Masar. Ciidaankaas ayaa markii la soo qaadey waxaa dhamaantood la keeney degmada Piraeus ee ku taal xeebta koonfureed ee dalka Giriig, halkaas oo dabadeed loo dal-dalay xuduudda waqooyi. 26 markab ayaa ka qeyb-qaatey daabuleynta ciidankan. (David A. Thomas. Nazy Victory: Creta 1941.New York´s Stein and Day. 1972. p. 127. USA).

3/ 3- 1941-kii, magaalo-madaxda dalka Giriigga waxaa ku kulmey saraakiil sare ee ka socda waddamada Giriig, Ingiriis iyo Yugoslav. Si wada-jir ah waxay u dejiyeen qorshe ay kgaga-difaacayaan xoogagga xuddunta waddamada ku yaal buuraleyda Balkaan iyo dalka Giriigga. Waxaa qorshahaas kamid ahaa in ciidamada xooggan oo Giriigga ka jooga Albania loo daayo meeshooda. Jeneraal Papagos oo ra´yiga lahaa ayaa wuxuu tilmaamey difaaca ka sokow in ciidankaas uu astaan u yahay gacan-sareynta ay xulufadu kaga guuleysteen xoogga xuddunta ee Talyaaniga. Sidaa darteed joogitaanka ay Albania ku sugan yihiin, ay dhaawac ku tahay haashaarka ciidamada Talyaniga iyo isla-weynidooda. Laakiin halista uu qorshahaas leeyahay waxay tahay, waxaa difaac-la´aan noqonaya magaalada la yiraahdo Thessaloniki eeistraateejiga ah, taas oo ku taal bartamaha waqooyi ee Giriigga. Degmadaas ayaa waxay tahay magaalo-madaxda laabaad ee dalka. Waxay waqooyiga kaga taal xeebta gacanka Frige. Waxay xiriirisa degmooyinka muhimka ah ee Giriigga. Isla-markaas waxay dalka Giriigga ku xiriirisaa waddamada Yurub ee wqooyiga Giriig ku yaal. Waxaa intaas weheliya waa degmada ay taakulada u sii mreyso ciidmada brwaaqo-sooranka (W-Force) ee la doonayo in la dejiyo waqooyiga Girigga. Taliyaha ciidanka Giriigga Jeneraal Aelxandros Papagos ayaa qabooijyey wal-walka saraakiishii kulantey ay ka qabeen arintaas. Jeneraalku wuxuu sheegey in magaaladu ay ku dhex-taal degaan buuraley ah oo cimilada dhulkeedu uu qallafsan yahay. Haddii dhulka ku hareereysan la dhigo ciidamo teel-teel ah, waa ay ku filan yihiin in ay difaacaan.

Si guud saraakiishu waxay u gaareen qorshe ah in ay dhisaan fariisomo ciidan oo ah khad difaac, kaas oo ku dhereran xduudda waqooyi ee Giriigga. Xuduuddaas ayaa waxaa waqooyiga kala deris ah waddamada Turkiya, Bulgaria, Macedonia iyo Albania. Fadhiyada difaaca ah ee ciidanka waxaa loo xushey meelo istraateeji ah oo buuraley ah. Khddaas difaaca ah oo isu marta webiga la yiraahdo Haliacmon River iyo buuraha Vermion Mountine, ayaa waxay ku magcaabeen Haliacmon Line. Saraakiisha Yugoslav ee ka qeyb-galey fadhiga, waxay ballan-qaadeen in ciidamadooda ay xiraan waddooyinka looga soo tallaabo webiga la yiraahdo Strymon ee biyihiisu maraan galbeedka Bulgaria iyo waqooyi-bari ee Giriigga. Taliyihii ciidanka Giriigga Jeneraal Aelxandros Papagos wuxuu arintaas ka muujyey wal-wal uu ka qabo in ciidamada Jarmalku ay ka soo qeyb-galaan dagaalka. Markaas oo qoshaha Yugoslaav-ka uu noqonayo mid daciif ah. Ciidanka 5-aad ee Yugoslavia waxay qaateen waajib ah in ay difaac ka galaan degaan koonfurta dalkooda ah, kaas oo u dhexeeya degmada la yiraahdo Kriva-Palanka (Macedonia) iyo xuduudda waqooyi ee Griigga.

Imaatinkii ciidamada barwaaqo-sooranka iyo qorshihii difaaca oo ay isla-gaareen ciidamadii degaanka, Jarmalkii waxay ku abuurtey walaac uu ka qaadey, ciidanka cirka ee Ingiriiska in ay duqeeyaan ceelasha shidaalka ee dalka Romania. Xilligaas shidaalka ay ciidamada Jarmalka ku howl-galaan xooggiisa waxay ka helayeen ceelasha dalka Romania. Arintaasina waxay ahayd dhacdo labaad oo dedejisey in Jarmalku weeraro Balkaan iyo Giriigga. Jarmalku wuxuu markaas bilaabey, waddamada Romania iyo Bulgaria oo la saaxiib ahaa, xuduudna la leh Giriigga in ay u daad-gureeyaan ciidamo badan. Isla-markaas ciidamadii waddamadaas wuxuu ka diyaariyo guluf xooggan oo dagaalka la gala. (Sir. Winston Churchill. Yugoslavia and Greece. Memoirs of the Second World War. 1991. p. 420. London – UK).

Qodob kale ayaa jiray oo sababey in Jarmalka uu ku deg-dego dagaalka weerarka degaamada koonfur-bari ee qaaradda Yurub. Waxaa jiray heshiis saddex-geesood ahaa oo lagu magacaabo Heshiiskii Saddexda Xoog (Tripartite Pact ama Three Powers Pact). Waxaa isla-saxiixdey dowladaha Jarmalka, Talyaaniga iyo Jabaan. Heshiiskaas ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Berliin 27/ 9- 1940-kii. Arimaha ay ku heshiiyeen waxaa kamid ahaa Jarmalka iyo Talyaaniga in ay Yurub ka dhisaan hannaan siyaasadeed ee cusub, Jabaankuna sidaas si lamid ah ay bariga qaaradda Aasiya ka dhisaan hannaan siyaasadeed oo cusub.

Saddexda dowladood waxaa kaloo ay ku heshiiyeen, si arintaas loo xaqiijiyo in ay yeeshaan is-kaashi siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid ciidan. Goor danbe waxaa ku soo biirey heshiiskii dowlado ay kamid yihiin Hungary (20/ 11- 1940), Rumania (23/ 11- 1940), Slovakia (25/ 11- 1940), Yugoslavia (25/ 3- 1941), Bulgaria (1/ 3- 1941), Croatia (15/ 6- 1941). Dowladaha heshiiska dhigtey waxay markaas ictiraaf siiyeen jiritaanka dowladda Midowga Soofyeeti. Taas ayaana ka danbeysey heshiiskii ay Berliin ku dhigteen labada wasiir arimo-dibadeed ee Jarmalka iyo Soofyeetiga. Dowlad kale ayaa jirtey oo heshiiska goor danbe ku soo biirtey. Taasina waxay ahayd dowladda Finland oo markii Soofyeetigu ay soo weerareen ku khasbanaatey in ay doonato xoog ay isu baheystaan dagaalka. Xooggii ay gargaarsatey markaas wuxuu noqdey Jarmalka oo ku khasbey Finishkii in ay xubin ka noqdaan dowladaha ku bahoobey heshiiska Tripartite Pact. Markaasna waxay ahayd 25/ 6- 1941-kii.

Dowladda Yuguslavia markii ay heshiiskan saxiixdey (25/ 3- 1941-kii) waxaa ka hor-yimid mucaarado xooggan oo dad-weynaheedii ay ku diiddan yihiin heshiiska. Waxaa xigey kacdoomo ay dad-waynuhu ku muujinayeen in ayan raali ka ahayn heshiiska. Waxaa markaas dalka odey ka ahaa boqor la yiraahdo Prince Paul Karadordevic (1934 – 1941). Kacdoonkii ay dad-waynuhu dhigeen wuxuu dhaliyay in dalku af-gembi ka dhaco, kaas oo ay ka danbeeyeen saraakiil ka tirsanaa ciidamada Yuguslavia. Af-gembigaas oo dhacay (27/ 3- 1941-kii) laba cisho dabadeed markii heshiiska la saxiixey (25/ 3- 1941) ayaa waxaa odey ka ahaa taliyihii ciidanka cirka Jeneraal Dusan Simovic. Isagu wuxuu markaas isku magacaabey ra’iisul-wasaare. Xilkii boqrnimadana wuxuu u dhiibey wiil dhallinyar oo 17 sano jir ah. Kaasi wuxuu ahaa Peter II Karadordevic. Isla-isagaa ahaa boqorkii ugu danbeeyey ee Yugoslavia.

Dhacdadaas dabadeed Jarmalkii kama uusan daahin in uu weerar ku soo qaado Yugoslavia. Sida aanu soo xusney waxaa jiray qorshe weerar oo Jarmalka u diyaarsanaa, kaas oo ay ku doonayeen in ay dalka Giriigga ku qabtaan. Xilliga ay ciidamada Jarmalka soo weerarayaan degaankaas, ciidanka 5-aad ee Giriigga weli ma ayan gaarin fariisimihii ay difaaca ka geli lahaayeen. Qalabkii ay ku dagaalami lahaayeen qudhiisa, xooggiisii ma uusn soo gaarin. Jarmalka marka uu ciidamadiisa u soo daad-gureynayo dalka Bulgaria, dowladda Giriigga waxay ciidankeeda ka soo daad-gureeneysey gobolka galbeedka ku yaal oo la yiraahdo Western-Tharace ee Bulgaria xuduud la wadaaga.

28/ 3- 1941-kii, ciidankii Giriiigga ee ku sugnaa ciidda Macedonia (qeybta 12-aad io qeybta 20-aad) waxaa maamulkoodii lagu wareejiyay Sir. Henry Mailand Wilson, kaas oo ahaa hoggaamiyihii ciidamada Barwaaqo-sooranka. Sarkaalkan Ingiriiska ah iyo saraakiishii ciidamada la waldaaminayay waxay xarun-tlis ka dhigteen meel ku taal bartamaha dalka Giriigga oo magaalada Larissa ka xigta waqooyi-galbeed. Ciidankii New Zealand waxay degeen agagaark buurta la yiraahdo Olympus oo ah buurta ugu dheer dalka Giriigga, taas oo dhererkeedu yahay 2.917 m. Sida aanu soo xusney Jarmalku wuxuu horey u diyaariyey ciidamadii weerarka qaadi-lahaa. Ciidankaas oo xooggoodu ay ku firirsanaayeen waddamada Bulgaria iyo Romania ayaa wuxuu soo raacshey ciidanka qaab-dhismeedkoodu wuxuu ahaa sidaan:

1) Ciidan keyd ah oo si toos ah looga xukumo hoggaanka sare ee taliska ciidamada Naaziga ah. Ciidankan waxay ka koobnaayeen siddeed qeybood oo ciidan ah. Waxay kala ahaayeen sidaan:
Saddex qeybood oo ah ciidamada gawaarida-gaashaaman iyo taangiyada (Panzer Divissions). Iyagu waxay ahaayeen 4-aad, 12-aad iyo 19-aad. Waxaa weheliyey laba qeyboodoo ciidanka fudud ah (Light Devissions). Waxay ahaayeen 100-aad iyo 101-aad. Ciidanka II-aad ee cagta, waxaa odey u ahaa Jeneraal Maximilian Reichsfreiherr von Weichs. Ciidankaas ayaa wuxuu ka koobnaa saddex qeybood oo ciidanka cagta ah (1-aad, 132-aad iy 183-aad) iyo labaqeybood oo ciidanka gawaarida-gaashaaman ah (8-aad iyo 14-aad).

2) Ciidanka II-aad oo uu odey u ahaa Jeneraal Kurt von Briesen. Iyagu waxay ahaayeen laba qeybood oo ciidanka buuraha ka dagaalama ah (1-aad iyo 49-aad), laba qeybood oo ciidanka gawaaida-gaashaaman iyo taangiyada ku dagaalama (8-aad iyo 14-aad) iyo qeyb ciidanka cagta ah (16-aad).

3) Ciidanka II-aad ee keydka ah oo uu odey u ahaa Jeneraak Kurt von Briesen. Waxay ka koobnaayeen saddex qeybood oo ciidanka cagta ah ( 125-aad, 169-aad iyo 197-aad).

4) Ciidanka 12-aad oo uu odey u aha Jeneraal Wilhelm List. Waxay kakoobnaayeen shan eybood oo ciidanka cagta ah (50-aad, 72-aad, 73-aad, 125-aad iyo 164-aad), laba qeybood oo ciidanka gawaarida-gaashaaman (2-aad iyo 9-aad), laba qeybood oo ciidanka buuraleyda ah (5-aad iyo 18-aad) iyo guutada 1-aad ee ciidanka SS ee tiknikada ku dagaalama.

5) Ciidanka 50-aad oo kamid ah kuwa 12-aad ee keydka ah ee uu odey u yahay Jeneraal George Lindemann. Iyagu waay ahaayeen laba qeybood oo mid ay tahay ciidanka cagta (qeybta 46-aad) midda kalena ay tahaygawaarida gaashaaman (16-aad).

Ciidankaas oo xooggoodu ahaa 680.000 oo nin. Qalabkoodu wuxuu ahaa 1.200 oo tanngi iyo gawaari gaashaan, iyi 700 oo dayuuradood. Si guud waxaa taliye ka ahaa Marshal Wilhelm List. Xoogga waxaa weheliyey wuxuu ahaa 565.000 oo ciidan Talyaani ah, kuwaas oo watey 163 taangi iyo 463 dayuuradood. Ciidanka is-bahaysiga ee ka soo hor-jeedey cududdoodu waxay ahayd 420,000 oo ciidanka Giriigga ah iyo 20 taangi. Waxaa weheliyey ciidanka Barwaaqo-sooranka oo tiradoodu ay ahayd 62,612. Qalabkoodu wuxuu ahaa 100 taangi iyo 250 dayuuradood.

Subaxda uu af-gembigu ka dhacay Yugoslavia galabteedii Hitler wuxuu xafiiskiisa ku kulmiyay saraakiishii hoggaanka u haya ciidamada. Isagu wuxuu go´aanshey, intuusan caga-dhigan maamulka ka curtey Yugoslavia in dagaalka la qaado. Isla-galabtaas si wada-jir ah waxay u dejiyeen qorshihii weerarka Yugoslavia oo aan horey u diyaarsaneyn. Qorshaha waxay ku magacaabeen Howl-galkii Ciqaabta (Operation Punishment). Magaca sirta ah oo weerarka Yugoslavia uu lahaa wuxuu ahaa Operation-25. Waxaa xusid mudan, tan iyo dagaalkii I-aad wixii ka danbeeyey in dowladaha adduunka kuwoodii xorta ahaa ay is hubeynayeen. Ciidaka Yugoslavia oo kamid ahaa xoogaggaa is-hubeeyey ayaa waxay ku qalabeysnaayeen 4.000 oo madaafiicda goobta ah. 1.700 oo kamid ah waxay ahaayeen kuwo casri ah (37 mm). Qoryaha Lidka Taangiyada (47 mm). Waxay heysteen Moortarrada culus 2.300 ah. 1.600 oo kaid ah waxay ahaayeen kuwo casri ah. Waxay isugu jireen gumucooda 81 mm, 220 mm, iyo 305 mm. 940 qoryaha lidka dayuuradaha 15mm iyo 20 mm. Habukaas ayaa dhamaantiis waxa sancadooda lahaa Talyaani iyo Czech. (Jozo Tomasevich. War and Revolution in Yugoslavia. 1941-1945. p. 58. London – UK).

Dayuuradaha ay Yugoslavku heysteen waxay dhamaayeen 450 dayuuradood. Waxay isugu jireen kuwo sancadoodu tahay Jarmal Talyaani, Faransiis iyo Ingiriis. Waxay isugu jireen kuwa weerarka qaada, kuwa bambooyinka tuura iyo kuwa gaadiidka. Kala-bar in kabadan oo dayuuradhaas ah ayaa sancadoodu cusbeyd. Ciidanka badda waxay heysteen 4 maraakiibta wax bur-buriya oo casri ah, 4 kuwa badda quusa oo casri ah, Raxan 10 ah doonyaha qoryaha saaran (MTBs), 6 kuwa miinooyinka dhiga, iyo 6 doonyaha fudud ah. (Conways All The World´s Fighting Ships. 1922-1946. Conway Maritime Press. 1980. London – UK).

Wixii ka danbeeyey af-gembigii ka dhacay Yugoslavia, Jarmalka waxaa culeys ku hayay wakhtiga. Saacad walba oo socotey oo uusan weerarku bilaaban wuxuu u arkayay luggooyo siyaasadeed oo dowladda heysata. Sidaa darteed wuxuu dedejiyey bilowgii dagaalka. Sagaal cisho dabadeed af-gembigii, subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 6/ 4- 1941-kii ayaa dagaalkii qarxey. Weerarka waxaa bilaabey ciidamadii cirka ee Jarmalka (Luft-Waffe). Duulimaad duqeymo xooggan leh oo is daba-joog ah ayaa waxay la beegsadeen magaalo-madaxda Yugoslavia (Belgrade). Muddo afar cisho ah, 500 oo duulimaad ayay dayuuradahaas sameeyeen. Waxay beegsanayeen saldhigyada ciidamada, xarumaha is-gaarsiinta, dhisma-hoosaadka iyo gegida dayuuradaha. (Conways All The World´s Fighting Ships. 1922-1946. Conway Maritime Press. 1980. London – UK).

Jarmalku siyaasadda uu ka lahaa arintan waxay ahayd in uu beddelo fagaaraha hardanka ka dhacayo. Weerarkii hore oo Talyaaniga lagu jebiyey wuxuu ka qarxey dhulka dowladda Albania. Waxaa kaloo ay Jarmalku ka weecanayeen ciidamada xooggan ee Giriigga ka joogey Albania, iyaga oo isla-markaas khalal iyo cabsi ku ridaya ciidamada Giriigga ee xooggan oo difaaca kaga jira xuduudda u dhexeysa Griig iyo Bulgaaria. (The Rise and Fall of the Third Reich: A History of Nazi ermany. Simon and Schuster. 1990. p. 824).

Subaxnimada dayuuradaha Jarmalku ay weerarka ku bilaabeen degmada Belgrade, ciidamadii Nazi-ga ee ku sugnaa Bulgaria waxay ku dhaqaaqeen weerar ay ku qaadeen xuduudda waqooyi ee Giriigga. Ciidanka XL ee gawaarida gaashaaman ee Jarmalka ayaa laba meelood ka soo weerarey xuduudda. Laba cisho dabadeed (8/ 4- 1941) qeybta 73-aad ee ciidanka cagta ee uu hoggaaminayay Jeneraal Bruno Bieler ayaawaxay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan degmada Prilep oo ah midda afaraad ee ugu wayn Macedonia. Waxay jareen waddada tariinka ee isku xirta Belgrade iyo Thessaloniki. 9/ 3- 1941-kii,Jeneraal George Stumme wuxuu ciidamadiisii gaarsiiyey waqooyiga degmada Monastir si uu isu diyaariyo in xuduudda Giriig uu ka weeraro degmada Florina ee xadka Macedoniya ku taal. Labadaas ciidan waxay si buuxda u go´doonsheen dalka Yugoslavia oo waxay ka dhigeen mid aanan xiriir la sameyn karin xoogaggii xulufada. Waxa kaloo go´don noqdey qeybo kmid ah ciidamadii la oran jiray W-Force, kuwaas oo ku sugnaa degmooyinka ku yaal xuduudda waqooyi ee Giriig. Tusaale-dhig ciidankii ku sugnaa degmooyinka Edessa iyo Katerini. (The Official History ofNew Zealand in the Second orld War. 1939-1945. Chapter 6-22. W.G. McClymont. 1959. p. 160. Willington – New Zealand)

Casharkii 28-aad

December 4, 2012

Xoogagga is-baheysiga xuddunta (Axis Powers) waxay horey u diyaariyeen ciidan xooggan oo si toos ah u weerara xuduudda waqooyi ee dalka Giriigga. Waxay isugu jireen Jarmal iyo Bulgarian. Weerarka ay ciidankaasi qaadayeen wuxuu ahaa mid ku lammaanan weerarkii xagga cirka ee Jarmalku ay la beegsadeen magaalo-madaxdii Yugoslavia (Belgrade) iyo dalka Macedonia ee waqooyiga Griig. Ciidanka Jarmalka ah ee markaan soo weerarey xuduudda dalka Giriigga waxay ahaayeen sidaan:

  1. Ciidan uu hoggaaminayay Lieutenant-General Gustav von Wietersheim. Waxay isugu jireen ciidanka 5-aad iyo 11-aad ee gawaarida gaashaaman. Qeybta 294-aad ee ciidanka cagta iyo qeybta 4-aad ee ciidanka buuraha ka dagaalama.
  2. Ciidan uu hoggaaniayay Lieutenant-General Joachim von Kortzfleisch. Waxay isugu jireen qeybta 60-aad ee tiknikada iyo qeybo kale oo aanan qoraal laga helin.
  3. Ciidankan waxay kamid ahaayeen ciidamada taangiyada ee uu odeyga ka ahaa Lieutenant Jeneral Georg-Hans Reinhard. Iyagu waxay ka koobnaayeen ciidamada SS qeybteeda 1-aad iyo qeybteeda 2-aad ee tiknikada, qeyb kamid ah ciidanka cagta ee tiknikada oo keydka ah, iyo qeyb ah gawaarida gaashaaman. Iyagu waxay ku urursanaayeen meel u dhow degmada Timisoara ee ku taal galbeedka dalka Romenia.

Ciidankan waxay ahaayeen kuwo ku wajahan khadda difaaca ee Metaxas Line. Waa khad difaac oo dhufeesyadeedu ay ka dhisan yihiin dhul dhererkiisu gaarayo 170 km. Xoogga fadhiyey wuxuu ahaa 200.000 oo nin. Iyagu waxay ahaayeen qeybta 7-aad, qeybta 14-aad iyo qeybta 18-aad ee ciidanka cagta ee Giriigga. Waxaa odey u ahaa Sareeye/guud Konstantinos Bakopoulos. Ciidankaas waxaa weheliyey ciidamadii dowladaha barwaaqo-sooranka oo Ingiriisku uu hoggaaminayay. Weerarkii ay bilaabeen ciidamadaas wuxuu la taariikh ahaa weerarkii xagga cirka ahaa oo bilowdey 6/ 4- 1941-kii. Ciidamadii Jarmalka iyo huwantoodii waxay la kulmeen difaac adag. Dagaallo culus oo saddex cisho socdey dabadeed, dabkii badnaa oo ay ridayeen madaafiicda iyo dayuuradaha Jarmalka wuxuu suurageliyey in khaddii difaaca ee Giriigga (Metaxas Line) meelo kamid ah la jebiyo. Dabkaas ka-sokow, in khadda difaaca laga gudbo waxaa mahaddeeda lahaa ciidanka 6-aad ee buuraha ka dagaalama. Ciidankan ayaa waxay ka tallaabeen buuro dhererkoodu yahay 7.000 oo cag, kuwaas oo uu baraf ceegaago. Xilligaas ma-jirin ciidamo Giriig ah oo tababarnaa in ay ka dagaalamaan dhulka sidaas u koreeya. Ciidankan Jarmalka ah ayaa waxay gaareen 7/ 4- 1941-kii degmada Thessalonika oo ku taal bartamaha waqooyiga Griig. Degmada waxaa mara waddada tariinka ee koonfur ku xirta degaamada waqooyi-bar iyo waqooyi-galbeed ee dalka.

Waxaa jiray ciidamo kale oo qudhoodu ka tallaabey dhulka buuraleyda ah oo barafku buuxo. Waxaa kamid ahaa kooxo kamid ah ciidanka 18-aad ee buuraha ka dagaalama. Ciidankan ayaa dhibaatooyin culus kala kulmey socodkii ay buuraha kaga tallaabayeen. Weerarka ay ciidankan qaadeen waxaa gacan siinayay ciidanka cirka ee Jarmalka. Qeybta 5-aad ee ciidanka buuraha oo lagu xoojiyey ciidanka cagta ee 125-aad ayaa qudhoodu dhanka bari waxay ka jebiyeen khaddii difaaca (Metaxas Line). Waxay markaas burburiyeen dhamaan dhufeesyadii iyo godadkii ay buuraha ka sameysteen ciidamada Giriigga. Ciidankan ayaa waxay u dhabar adeygeen dagaallo rogaal celis ah oo kaga imanayay dhanka Giriigga. Ugu danbeyntii waxay gaareen yoolkoodii oo ahaa waadiga la yiraahdo Rupul. Laakiin goor danbe dib ayuu uga soo laabtey, dhaawacyada badan oo ku yimid darteed.

Qeybta 72-aad ee ciidanka cagta, waxaa fadhigoodu ahaa degmada Nrvrokop ee ku taal koonfur-galbeed dalka Bulgaria. Ciidankan ayaa qudhiisu waxay ka tallaabeen dhul buuraley ah ee u dhexeeya Bulgaria iyo Giriig. Laakiin iyada oo ay ku yaraayeen gaadiidka fardaha ah ayaa waxay dhalisey in ciidankan ay ka soo daahaan waajibkii u yiil. 9/ 4- 1941-kii ayay soo gaareen degmada Seres ee ku taal waqooyi-bari ee Giriig. Degmadu waxay kamid ahayd meelaha ay mareysey khaddii difaaca ee Metaxas. Jarmalkii waa ay ku guuldareysteen in ay qabtaan dhufeesyadii khadda qaarkood, illaa looga keeney madaafiicdii cusleyd.

Gobolka la yiraahdo Western Thrace ee ku yaal waqooyi-bari ee Giriigga, waxaa ka dagaalamey laba qeybood oo ciidan ah. Galabnimadii ay taariikhdu ahayd 8/ 4- 1941-kii, degmada Xanthi waxay gacanta u gashay qeybta 164-aad ee ciidanka cagta Jarmalka. Isla-galabtaas qeybta 50-aad ee ciidanka cagta ee Jarmalka waxay la wareegeen degmada Komotini. Degmadu waxay ku dhinac taal webiga Nestos, kaas oo isu mara waddamada Bulgaria iyo Giriig.

10/ 4- 1941-kii, guuto Jarmal ah oo sahan ah ayaa waxay u kaceen dhanka degmada Florina ee ku taal xuduudda Giriig iyo Macedonia. Ciidamadii Giriigga waa ay u banneeyeen waddada. Guutada Jarmalka ah oo iyagu kamid ahaa ciidanka SS ayaanan ka shakin waddadaas loo banneeyey. Bal waa ay ka faa´iideysteeen arinkii oo si nabad ah ayay ku gaareen magaalo madaxda gobolka Florina, taas oo qudheedu lagu magacaabo Florina. Isla-maalintii socodkoodii ayay sii wateen iyaga oo markaan dhanka koonfureed u kacay oo si fudud ku gaarey degmada Kozani.

Subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 11/ 4- 1941, ciidamo Ingiriis ah oo ku sugan degmada Vevi ayaa waxay heleen raadiyo ay ku wada-hadlayaan ciidamada Jarmalka. Waxay ogaadeen guutadan SS-ta ah in ay ku soo dhowaatey iyada oo aanan wax dagaal ah la kulmin. Markii ay khabarka gaarsiiyeen hoggaankoodii, waxaa amar lagu siiyey in ay isaga soo baxaan degmada iyo agagaarka buuraha Vermion. Ciidamadii SS, inkasta oo ay magaaladii la wareegeen, misana maalintaas waa ay u dhaqaaqi waayeen dhanka koonfureed. Waxaa fadhiyey ciidamo xooggan oo Australian ah. Maantii xigtey ayaa labadii ciidan waxaa dhex-marey dagaal culus. Libtii waxay raacdey ciidankii SS ee Jarmalka ahaa. (Australia in the War. Long Gavin. 1953. p. 104-105)

13/ 4- 1941-kii qeybta 9-aad ee ciidanka gawaarida gaashaaman ee XL ayaa waxaa lagu amrey in ay koonfur u dhaqaaqaan. Dabadeed ay fariistaan degmada Verroia oo koonfur-galbeed ka xigtey fagaaraha lagu dirirayay. Ujeeddadu waxay ahayd in la jaro taakulada koonfur uga imaneysa ciidamada xulufada oo ka dagaalamaya waqooyiga Giriigga. Ciidamadii SS ayaa iyaguna waxay markaas awood u yeesheen in ay galaan degmada Kastoria oo ah magaalo-madaxda gobolka la yiraahdo Galbeedka Macedonia. Ciidankaasi waxay markaas jareen waddada ay taakulada u marto ciidanka 1-aad ee Giriigga ee ku sugnaa dalka Albaaniya.

Dhanka waqooyi-galbeed ee Giriigga, dhulka xeebta xiga waxaa fadhiyey ciidanka 4-aad iyo midka 5-aad ee dalka New-Zeeland. Waxaa weheliyey ciidanka 16-aad ee Australia. Meel u dhexeysa buuraleyda Olympus iyo xeebta, waxay foodda isku-saareen ciidanka qeybta 9-aad. Saddex cisho oo dagaal uu ka dhex-socdey labada ciidan, Jarmalkii awood uma yeelan in ay ciidankii xulufada ay ka saaraan buurihii dhufeyska u ahaa. 15/ 4- 1941-kii ciidankii jarmalka waxaa soo gaarey ciidan taakulo ah. Waxay ahaayeen koox ciidanka mootooyinka ku socda oo ay weheliyaan koox ciidanka taangiyada ah. Weerarkii uu galey ciidankan waxba kuma kordhin ciidankii hore. Laakiin isla-maalintaas galabnimadeedii waxaa fagaarihii dagaalka soo gaarey kooxo ciidamada Jarmalka ah, kuwa ku dagaalama gawaarida gaashaaman. Weerarkoodii wuxuu dhaawac u geystey ciidamadii xulufada ee ka dagaalamayay dacallada. Laakiin ciidankii New-zeeland waxay ku adkeysteen meelihii ay dhufeesyada kaga jireen. Habeenimadii, ciidamadii Jarmalka waxay isu-geeyeen guuto ah taangiyo iyo guuto ah ciidanka cagta. (The German Campaigns in the Balkan. George E. Blau. 1953. p. 98 Washington DC – USA).

Guutadii ciidanka cagta waxay weerar ku qaadeen fariisimihii garabka bidix ee ciidanka New-Zeeland. Guutadii taangiyada iyaguna galabnimadii ayaa waxay weerareen ciidamo ku sugnaa xeebta. Markii uu gabbalku dhacay, ciidamadii New-Zeeland waa ay ka gurteen fagaarihii dagaalka iyaga oo dhaawac badan wata. Waxay ka gudbeen webiga la yiraahdo Pineios River. Ciidankan ayaa horey loo amrey in ayan goobta ka soo dhaqaaqin oo cadowga ay halkiisa ku celiyaan xataa haddii ay ku baaba´ayaan. Nasiib-darro ayaa ciidankii heshey markii ay doonidii kaga degtey webiga gudihiisii. Waxaa halkaas kaga dhintey tiro badan oo ciidan ah. Goor danbe waxaa u soo gurmadey guutada 21-aad ee ciidankii Australia.

16/ 4- 1941-kii, degmada Lamia oo ku taal bartamaha Giriirg, taliyihii ciidamada barwaaqo sooranka Sir. Henry Maitland Wilson wuxuu kula kulmey taliyihii ciidamada Giriigga Jeneraal Aelxandros Papagos. Markuu uga waramey xaaladda adag oo ciidankiisu ay ku sugan yihiin, wuxuu u sheegey in ciidamadiisu ay dib uga soo baxayaan aagagga waqooyi oo ay difaaca kaga jiraan. Taasina waxay ka danbeysey markii ay u adkeysan waayeen weerarka Jarmalka. Iyo ciidamadii Giriigga oo ku soo jabey koonfurta dalka Albania. Ciidamadan ayaa markii xoogag Jarmal ah ay gadaalkooda fariisteen, weerarkii ay ku qaadeenna ay ka lib-keeni waayeen, waxay u soo dhaqaaqeen in ay u soo gudbaan koonfurta dalkooda, si ayan u gelin laba-abbur.

Waddooyinkii caadiga ahaa oo ay ku soo baxsan lahaayeen waa ay ka leexdeen. Ciidamadii SS oo iyagu ahaa kuwa gadaal ka fadhiyey ciidanka Giriigga, waxay u dhaqaaqeen koonfur si ay u hor-joogsadaan ciidankan baxsadka ah. Jarmalku waxay soo gaareen degmada Ioannina oo ah magaalo madaxda gobolka Epirus. 20/ 4- 1941-kii, Jarmalkii waxay si buuxda u xireen waddadii ay ciidamada Giriigga ku baxsan lahaayeen. Taasina waxay ka danbeysey markii ay labada ciidan isaga horyimaadeen dagaal culus oo ka dhacay degmada la yiraahdo Metsova Pass ee ku taal galbeedka gobolka Epirus, kuna dhow buurta Pindus.

Dagaalkaasi dabadiis, hoggaankii ciidanka Giriigga waxaa u muuqatey in ayan suuragal ahayn in ay badbaado ku gaaraan koonfur. Sidaa darteed taliyahoodii Jeneraal Georgeos Tsolakoglou wuxuu gaarey go´aan adag oo nin hoggaamiye ah uu qaato. Wuxuu ahaa in ciidankiisa iyo qalabkooda ay si buuxda isugu dhiibaan Jarmalka. Isaga oo ka fogeynaya ciidamada Talyaaniga guul ayan shaqeysan, ayuu isu dhiibey taliyihii ciidamada SS Jeneraal Josef Sepp Dietrich. Wada-hadalkii is-dhiibidda ee labada jeneraal dhex-martey, Hitler wuxuu farey in ay sir ahaato oo khabarku uusan Talyaanigu gaarin. Ciidamadii Giriigga ee is-dhiibey tiradoodu waxay gaareysey 5.000 oo nin. Jarmalkii xoriyad ayay siiyeen oo maxaabiis ahaan uma xereysan. Markii ay hubka ka dhigeen dabadeed, waxay u fasaxeen in nin walba uu reerkiisii aado. (The German Campaigns in the Balkan. George E. Blau. 1953. p. 94-96 Washington DC – USA).

Jarmalku tan iyo bartamihii bisha abriil wuxuu xaqiiqsanaa in Ingiriisku uu ciidamadiisa kala baxayo dalka Giriig, uuna ku daad-gureynayo dhanka badda. Sidaa darteed saraakiishii Jarmalku waxay ku tala-galeen in ay fashiliyaan mashruuca daad-gureynta. Jeneraal Henry Maitland Wilson qudhiisu wuxuu dejiyey qorshe uu ku badbaadiyo mashruucan. Qorshuhu wuxuu ahaa, ciidamo ilaala danbe ahaa in ay ka howl-galaan marinka la yiraahdo Thermopylae, taas oo ku soo dhacda magaalo-madaxda Athens. Waxaa halkaas ku soo baqoolaya ciidamada ugu xooggan oo Ingiriiska ka joogey waqooyiga Giriig. Ciidanka Australia amarka la siiyey wuxuu ahaa in ay xeebta ilaaliyaan. Ciidamadii New-Zeeland ayaa iyaguna waajibkoodu wuxuu ahaa in ay difaac ka galaan tuulo la yiraahdo Barallos.

23/4- 1941-kii oo ahayd markuu amarku soo baxay, ciidan waliba waxay ku sugnaayeen meeshii ay ka howl-geli lahaayeen. Gaadiid xumo awgeed, ciidanmadii cagta ee Jarmalka waxaa looga yimid waqooyiga Giriig. Waxaa koonfur u soo baxay qeybta 2-aad iyo qeybta 5-aad ee gawaarida gaashaaman iyo kooxda teknikada ee ciidanka SS. 24/ 4- 1941-kii, ciidamadii barwaaqo-sooranka oo ku guda-jira howlihii dib u-gurashada ayaa Jarmalkii goor barqo ah soo weerarey. Waxay la kulmeen iska-caabin adag. Waxaa maantaas laga gubey 15 taangi. Ciidamada xulufadu, maantaas oo dhan waxay mashquulinayeen Jarmalka si mashruuca daad-gureynta ciidanku uu si nabad ah ugu fulo. (Partisans and Guerillas (World War II). Robert H. Bailey. 1979. p. 33. London – UK).

Muddo hal maalin ah ayaa ciidamadii ilaalada danbe ee Ingiriiska waxay hor-taagnaayeen Jarmalkii. Muddadaas ayaa ciidamadii Barwaaqo-sooranka waxay ka gudbeen marnikii Thermopylae, iyaga oo koonfur u guuraya. Dabadeed waxaa marinkii banneeyey ciidamadii Ingiriiska ahaa ee difaaca kaga jiray. Iyagu waxay u gurteen degmada Thebes oo ku taal koonfur-bari ee dalka, isla-markaas waqooyiga kaga began magaalo-madaxda Athens. Degmada Thebes waxay ahayd meeshii ugu danbeysey oo ciidamada barwaaqo-sooranka ay difaac ka galaan markii ay ciidamadooda kala baxayeen dalka Giriigga.

Jeneraal Archibald Wavell oo ah hoggaamiyaha guud ee ciidamada Ingiriiska ee jooga Bariga-dhexe, goor hore ayuu u digey Jeneraal Henry Maitland Wilson. 13/ 4- 1941-kii, wuxuu u sheegey in uusan dowladda Ingiriiska ka sugin ciidan lagu soo-xoojiyo. Isla-markaas Jeneraal Archibald Wavell, wuxuu amrey Jeneraal Freddie de Guingand iyo saraakiil kale in ay diyaariyaan qorshihii lagu soo daad-gureyn lahaa ciidamada kaga sugan dalka Giriigga. Sida heshiisku ahaa go´aanka daad-gureynta ciidamada barwaaqo-sooranka waxay ahayd in ay ka timaaddo dowladda Giriigga. Laakiin talada saraakiisha Ingiriisku waxay ahayd in ay qorshaha sii diyaariyaan. Taasina waxay dhacdey 15/ 4- 1941-kii markii taliyihii ciidamada Giriigga Jeneraal Aelxandros Papagos uu u soo bandhigey Jeneraal H.M. Wilson in ay haboon tahay in ay daad-gureeyaan coogagga barwaaqo-sooranka.