Category Archives: Cabdillaahi Cawed Cige

Naf Maleh

SHEEKO IYO SHAAHID 1/2006

Isaga iyo iyadu waa laba aan kala dhammaan. Isma waayaan. Had iyo goor waa ay wada joogaan. Kama tago, kama tagto, ma daayo, ma deyso, isma daayaan. Waa ay wada noolyihiin.

Beryahan dambe se khaatiyaan buu ka taaganyahay. Wuxuu isku hayaa faa’iidada uu ku qabo iyo waxa ay ugu filantahay.

Wuxuu waddanka soo galay isaga oo aad u da’yar. Wuxuu ku soo horreeyay magaalada Landhan oo uu muddo siddeed sannadood ah degannaa. Wuxuu ku noolaa qolyar oo aad u cidhiidhi ah oo ku yaalla xaafadda Bariga Landhan. Daarta qolkiisu ka tirsanyahay waa fooq dheer oo qolal badan leh. Waxa kiisu ku yaallaa meel badhtanka ah.

Markii qolka la siiyay ee uu usoo guuray wuxuu kala kulmay dhibaato. Waxa ay ka biyo diidday samayska qolka, waa hurdo, fadhi iyo madbakh ku dhejisan.

“Haddii cidi kuu timaaddo xaggee bay fadhiisanayaan?”, ayay weydiisay. “Mooyi, cidiba ii imanmayso, maxaa la iga soo doonayaa”.
“Miyaanad guursanayn?”
“Miyaanad hablo la haasaawayn?”

“Miyaan martiyi kuu soo hoyanaynin”, waxa ay badisay su’aalihii.

Miyuu ujeedaa cid wax badan weydiisa. Wuxuu ka yaabbanyahay dalkan iyo qabowgiisa, dalkan iyo baabuur badnidiisa, dalkan iyo khamri badnaantiisa, dalkan iyo cawro muujintiisa. Haa, meelwalba gabadh dabo qalaalan oo aan waxba u qarsoonayn baa maraysa. Duulku sow kuwii qaaliga ahaa maxaa sidan u jebiyay. Haa, meesha maxaa la eryanayaa, qof waliba wuu ordayaa oo wuxuu ku socdaa meel aad mooddo in laga xidhayo oo uu ka gaadhayo.

Wuxuu xusuustay su’aalihii ay weydiisay.

“Cid alla cid isoo booqanaysa iyo cid ii imanaysa oo aan kadinka ka furayaa jirimayso”, intuu yidhi ayuu albaabka ka booday.

Muddadaas uu Landhan joogay wax badan oo uu ku soo talo galay iyadana ay heshiis ku ahaayeen ayuu guul ka gaadhay. Wuxuu si fiican u bartay afka Ingiriisida oo uu meel dheer kaga soo hadhay. Wuxuu u gudbiyay cilmiga xisaabta oo uu weligii jeclaa, intii uu taag u yahay ayuu kaasna ka xantoobsaday .

Intii uu waxbarashada ku jiray wuxuu shaqooyin teelteel ah ka hayay dhawr meelood oo kala duwan, wuxuu se u badnaa kaalin shidaalka laga qaato oo aan xaafaddiisa ka fogayn.

Sannadkii u dambeeyay waxbarashada jaamacaddiisa ayuu maalin jimce ah afartii galabnimo ka yimi meeshii uu casharka maanta ku lahaa. Intuu qolkiisii keli leh buugaagtii ku daadiyay ayuu bariis qabow oo uu shalay karsaday oo meel yaalla diirsaday oo intuu isdhaafiyay ku toosay bartii shaqada.

Qolka uu ku noolyahay iyo kaalinta uu ka shaqeeyo waxa loo kala socdaa ilaa toban daqiiqadood. Intii uu jidka ku sii jiray ayay muran hor leh oo aanu beryahaas ka maqal ku bilowday.

“Maxaad shaqadan xun ee daalka badan ee habeen walba dadka shanta gini ee batroolka ah la baxsanayaa kugu soo marayaan ku falaysaa?”

“Maxaad ka faa’iiddaa ee kaa soo gala?”

Wuxuu aad u dhegaystay wixii ay ku lahayd. Waxa ay ugu sanqadheen wax macne samaynaya.

“Haddii aad ka tagto maxaa dhacaya”, ayuu isweydiiyay.

“Waxba, inta aad iska nasato marka aad ka soo rawaxdo jaamacaddaada ayaad hadhowna wax iska akhrisanaysaa”, ayay ugu jawaabtay.

Maya, maya, shaqadan waan u baahanahay, gunnada yar iyo amaahda la igu siiyo waxbarashadu maaha dar wax igu taraya. Waan tegayaa, waan shaqaysanayaa, wuxuu ku adkaystay in aanu ka tegin shaqada inta uu waxbarashada ku jiro.

Aad bay uga cadhootay go’aankan uu qaatay hase yeeshee wax ay ka qabankarto ayaa iska yar. Waa in ay la socotaa isaga oo aanay ka hadhin. Ma meel ay ku kala hadhaan baa jirta?

Si kasta oo hawshu ugu badnayd wuxuu guul ka gaadhay waxbarashadiisii oo si fiican u dhammaystirtay.

Maalintaas aad bay ugu bogtay guulaha uu soo hooyay. Waa ay ammaantay, waxa ay siisay billado iyo baalal dahab ah.

“Nin rag ka tegay in aad tahay baan kuu qiray”, ayay ku tidhi.

Waxa ay kula talisay inuu horumarka uu gaadhay u muujiyo dadka kale ee ku hareero xeeran.

Waxay ku tidhi;

“Maxaa haylahan wada lusha ee sidii oday gaboobay aad ku turunturroonayso kuu xidhay?”

“Maxaa kuu diiday Guuji iyo Armaani?”

“Guuji, Armaani, ma waxa aad i leedahay isbeddel samee”, isaga oo u yara bogay fikradaha ay usoo jeedisay ayuu kala tashaday waxa ay leedahay samee.

“Haa, hore u mar, dadku waa inuu kaa arkaa isbeddel muuqda, ma dhagax baad tahay? Dhagaxuna xitaa isbeddel buu sameeyaa”.

Talooyinkan ay usoo jeedisay waxa ay ugu dhadhameen dar loo baahnaa. Show in muddo ahba waxa aad ku xidhnayd qalwo dunida ka qarsoon. Waxa ay ku faraysaa waa wax horumar kuu horseedikara.

Waxoogaa lacag ah oo uu muddo biirinayay ayuu bartii ay taallay ugu dhacay. Wuxuu suuqa u galay inuu maryaha noocii ay kula talisay soo iibsado. Surwaal dunguri ah oo aad mooddo in labaatan sannadood la maydhayay oo ruugagga iyo badhida ka caddaaday ayuu soo dhifsaday. Mid kale oo afar meelood ka jeexan ayuu isna soo qaatay. Shaadhadh aad mooddo in maqluub loo tolay ayuu kiish ka soo buuxsaday.

Surwaal maqluub ah iyo shaadh u eg iyo koofiyad wax ku xarxarriiqanyihiin oo sii jeedka loo rogay intuu isku taagay ayuu intuu aad isugu bogay kolba dhan isu marooriyay.

“Haa, waa adigaa nin Landhan ku nool u ekaaday”, ayay kula kaftantay markay aragtay inuu taladeedii si fiican u qaatay.

Waa la is yaqaannaa, marar badan taladeeda wuu ku badhaadhay, marar kalena jar bay ka tuurtay. Maanta wuxuu u arkaa inuu faa’iido badan kala kulmayo sida fiican ee ay wax u tustay. Waaba ku badhaadhay durba, waa

kaas jidka qaaday ee intuu kor u cidhibsaday gacmaha iyo miskaha sidii adhi cuduncuud qaba hadba dhinac u wareejiyay. Waa taas xaafaddii oo dhammi isa su’aashay inuu isagii yahay iyo inuu qof kale yahay. Waa kaas asxaabtiisii ay isku tallaabada ahaayeen hore uga dheereeyay. Waa kaas qolo ka da’yar oo xafladaha iyo meelaha dhallinyaradu isugu ururto aad u xiiseeya barbarka ka raacay.

“Miyaanad xafladda sannadka cusub loo dhigayo ka qaybgelayn”, ayay hoosta kaga soo tuurtay.

Wuu daallanyahay. Xalay oo dhan wuxuu la soo jeeday dhallinyaro nolosha aad u xiisaynaysa oo marba guri miyuusig kor loo dallacay ka baxayo isku urursanaysa. Intuu koob shaah ah oo uu mar hore soo samaystay hambo yar oo ka hadhay isdhaafiyay ayuu aad uga tashaday bal inuu ka qaato talada ay usoo jeedisay iyo in kale. Wuxuu ku gam’ay kursigii.

Kan gasho, maya, maya, kan kale gasho. Kaas baa ka wanaagsan. Maya, kan iyo kaas iyo labadan kabood isu xidho. Isku joog noocii ay inuu iibsado kula talisay ah ayuu isku jufay oo intuu masar yar oo barabaro leh sidii weer madaxa ku xidhay kadinka ka booday.

Waaw! Xafladdan oo kale hore uma iman. Waxa isugu yimi dhallintii magaalada oo rag iyo dumar is dhex mushaaxaya. Wuxuu ka yaabay lebbiskooda oo aanu filaynin inuu heerkaas gaadhay.

Qoladiinnii? Qalaalood? Qoladiinnii? Qalaalood? Wuxuu isha mariyay dadkii goobta isugu yimi isaga oo isku haya in ay isku qolo yihiin iyo inay jinsiyado kale ka yimaaddeen. Dhawr hablood oo wiilal ay saaxiib yihiin goobta keeneen mooyee dadka kale oo dhammi waa qoladiisii. Waxa aanu filaynin sida loo lebbistay oo uu quruumo kale ku ogaa.

“Magacaa be’, waa waxa aad seegtay ee kaa maqnaa”, ayay ku tidhi.

Ihihihihi! Intuu yidhi ayuu kursi harag ka samaysan oo uu keligii ku fadhiyay isku kala bixiyay oo qasacad kooke ah oo gacanta midig ugu jirtay dhawr jeer kor u fiiqsaday.

Uxuxuxuxu! Wuxuu ku saxday kookihii oo intuu kor u yara hinqaday sorry ku yidhi gabadh si la yaab leh u lebbisan oo soo hormartay.

No problem intay tidhi ayay sintii midig hore u dhaafisay jidhkeeda intiisii kale, oo intay maro yar oo qaarka hoose ugu duubnayd aad ugu giijisay labadeedii addin oo sii kala tegaya ku tidhi;

“Magacaa?, maxaa meesha cidlada ah ku dhigay?”

Kama sugin jawaab ee intay hoos ugu soo foororsatay ayay, isaga oo dalcaddii labada naas dhexdooda indhihiisii kula maqan, u raacisay;

“Soo kac aynu ciyaarnee”

Dhidid kuuskuusan ayaa kor iyo kal lagu soo rogay. Wuxuu amarsiiyay wadnihiisii oo xawaarihiisii kordhiyay, wuxuu damcay inuu kaco, oo hakaday, oo haddana is yidhi kac oo misna dib u hakaday.

“Nevermind I’ll see you later in case you change your mind”, intay af qalaad ku tidhi ayay farsamo wanaag uu aad uga helay labadeedii sal marba mid u dhaqaajisay oo dad rag iyo dumarba leh oo isdhaafdhaafaya ku dhex libidhay .

Uuuuf! Intuu neef laxaad leh qaatay ayuu kursigii dib ugu tiirsaday oo ka fekeray waxa ay noqonlahayd noqonse weyday, wixii dhicilahaa dhici se waayay, tuu samaynlahaa samaynse waayay.

“Nacas, fursadaha noocaas ah marka ay ku soo maraan la iskama sii daayo”, ayay ku tidhi oo usii raacisay;

“Ma in bilaydh laguu saaraa baad doonaysaa waxwalba?”

Habeenku wuxuu ahaa mid wacdaro leh. Hees wixii uu yaqaannay oo dhammaantood wada maqluub ah ayaa goobta laga qaaday. Markii hore wuxuu isku qabtay inuu codbaahiyaha qabsado oo dadka meesha isugu yimi u sheego in heesaha iyo laxanka iyo codka wax ka si yihiin, haddana markii ay kula talisay in aanu arrimahaas dhexgelin ayuu ka gaabsaday.

Sidii kor iyo hoos loogu boodboodayay, dadka badhkoodna miiska sharaabka laga soo qabsanayo ugu laalnaa ayaa saacaddii waaga berigiisii isku shareertay. Wuxuu dareemay lulo iyo caajis ku soo degay. Iska tag isaga oo is leh ayaa codbaahiyihii laga yeedhiyay in xafladdu soo afjarantay. Mar qudha ayaa wixii meesha khalqi isugu yimi kadinka boobeen.

Dirqi iyo si fool adag ayuu qolkiisii ku yimi. Isaga oo aan wax kale xusuusan ayuu sariirtiisii isku tuuray oo hurdo uu ilaa caawa fiidkii warwareejinayay u badheedhay in ay ismutaan. Maalinta badankeedii waa jiifay. Casarkii bay dhegaha kaga ciday.

“Ka toos meesha cimrigaaga ha laasanne”

“Bal xilliga uu hurdo eega”, “Wallee nin hurdow, hallowday dantaa, sidaad ku heshaana waa halis”

“Maxaad u shaqo tegiweyday, sowkii abwaanku ku balweeyay, haddaanu dhirta korin, daayeer ma dhergo”, waano xad dhaaf ah ayay isu raacisay.

Aaah! Madaxa, wuxuu isqabtay dhakada. Qubqacdii xalay baa dhakadiisa ka sanqadhaysa. Heesihii oo sidii uu xalay moodayay ka macaanaaday ayaa marba maskaxdiisa dhinac u jiidhaya. Waxa se waxaas oo dhan kaga daran inantii kursiga ka heshay ee uu qabsankariwaayay oo aan intii uu jiifay marqudha madaxiisa ka tegin. Ka kac meesha oo bal wax aad cunto doono ayuu iska dhaadhiciyay. Intuu waxoogaa cunto ah ka soo qabsaday meel agtiisa ah oo raashinka degdegga ah ee la qaato lagu dhalaaliyo ayuu telefiishanka hortiisii la fadhiistay oo maxaddadihii marba mid u rogay.

Marka uu rudhmo qaataba wuxuu beddelaa maxaddada telefiishanku taaganyahay ilaa uu ka quustay wax xiiseeya oo uu daawankaro. Intuu badhankii bakhtiinjiray tuujiyay ayuu raashinkiisii ku jeestay mise laguma oga. Intii uu telefiishanka dagaalka qabow kula jiray ayuu raashinkii isaga oo aan ogayn ku tegay. Intuu lebbistay oo saddex cadar oo kala jaad ah midba mar kor u qaaday ayuu kii uu is yidhi beryahaas maad marsan isku buufiyay oo kadinka boobay.

Muddo lix bilood ah ayuu hadba arji shaqo meel ku tawsiinayay. Waannu kula soo xidhiidhidoonnaa, waad mahadsantahay se kuma aad guulaysan jagadii aad soo dalbatay, waxa aannu kuu rajaynaynaa guul, jawaabo aan niyaddiisa qancin, baahidiisii shaqona aan waxba ka qaban ayaa mar walba loogu soo warceliyaa. Lacagtii yarayd ee uu shaqooyinka teelteelka ah ka biirsadayna waxa ay ku sii dhammaanaysaa maryo casri ah iyo isqurxintiisa.

“Maxaa imika kuu talo ah bal waa ku kaase”, ayay ku tidhi galab isaga oo ka soo noqday meel uu arji geynayay.

“Maxaa kaa galay waxa ii talo ah”, ayuu si cadho leh ugu celiyay.

“Waxba aniga ha ii cadhoonin, gurigiina wax cunto ah laguma ogayn ee sidaas ula soco”, ayay kula talisay.

Hoh iyo hoh. Wuxuu isu rogay geestii dukaammadu ka xigeen. Waxoogaa alaabo ah oo uu u baahnaa markuu soo qaatay ayuu dhinacii maqalhayaha usoo kicitimay. Wuxuu xusuustay in aan wax la cabbaa gurigii u oollin. Isaga oo aan eegin wax ka dambeeya ayuu dib isu rogay. Wiil yar oo hooyadii la socda ayuu ku joogsaday oo markuu qaaqdiisii maqlay isaga oo aan raalligelin bixin intuu isha ku xaday iska weydaartay.

“Haddii aanad dadka kale ixtiraamin naftaadana ixtiraamimaysid”, ayay ku canaanatay .

“Huh, naftayda, ixtiraam, waad maadaynaysaa”, intuu ugu jawaabay ayuu ku wareegay shelefyadii cabbitaanku saarnaa.

Wuxuu soo qaatay laba kartuush oo liin iyo dhir kale oo la isku walaaqay ku jiraan. Markii uu soo dhaqaaqay ayuu indhaha ku dhiftay shelef ka soo horjeeda kii uu wax ka soo qaatay. Waxa ku taxan quraarado midabwalba leh iyo qasacado xidhmo xidhmo isugu sidkan.

“Soo qaado, ku soo darso sharaabka, maxaad uga maagaysaa”, ayay ku tidhi.

Uma jawaabin. Cabbaar buu ku hakaday shelefkii qasacaduhu yaalleen. Wuxuu is yidhi soo qaad, haddana ka walaacay. Wuu iska dhaqaaqay. In yar markii uu shelefkii ka dhaqaaqay ayuu isa soo rogay oo intuu afar iyo labaatan qasacadood oo isku xidhan soo dhifsaday selleddii alaabadu ugu jirtay ku dalaqsiiyay.

Markuu waxoogaa sanuunad ah iyo baasto uu samaystay ka saaray ayuu qasacadihii mid la soo baxay oo intuu kursi fadhiga u yaallay isku tuuray telefiishankii shitay.

Qaaq! Yaq, wuxuu ka yaabay dhadhanka waxa qasacadda ku jira. Markuu mar kabbaday ayuu dhulka dhigay oo telefiishankii indhaha la raacay. Cabbaar buu ku mashquulay barnaamij madaddaalo ah oo meesha ka soconayay. Wuxuu dareemay harraad, dhuunta ayaa yara engegtay, wuxuu is yidhi biyo doono, wuxuu xusuustay qasacaddii oo intuu soo qabsaday qudhqudho labada dhegood nabay.

Yax! Intuu yidhi ayuu qasacaddii oo madhan halkaas ku laliyay oo kursigii dib ugu jiifsaday. Wuxuu dareemay dawakhaad, hurdo soo haysa, yalaalugo.

“Mid kale soo qaado markaas ayaa dawakhaaddu kaa ba’aysaa”, ayay kula talisay .

Isaga oo aan u jawaabin ayuu sarakacay oo laba qasacadood oo kale soo dhifsaday. Baac! Daaco xad dhaaf ah ayuu ku waashay. Ahahaha! Qosol meel uu ka yimi aanu garanayn ayuu kala joojinwaayay. Isaga oo daallan oo aad hurdo ugu baahan ayuu barbar u dhacay.

Wuxuu noqday darjiif aan ka dhammaan qasacad raarah badan oo uu telefiishanka la hor fadhiisto.

Aad bay uga mabsuuday sida noloshiisii isu beddeshay.

“Werwerkii shaqadu kugu haysay imika aad baad uga raysatay. Adigu eed kuma lihid. Waa dir sooc waxa arji kasta laguugu soo celinayaa”, ayay niyadda ugu qaboojisay.

“Intii aad isku deyikaraysay waad isku dayday, wax kale oo aad samaysaa ma jirto”

“Waa runtaa, wax kale oo aan samaynkaraa ma jirto, waa in aan taladaada qaataa”.

Lebbiskii casriga ahaa iyo xafladihii dhallinyarada loo raacayay way isbixinwaayeen imika. Wuxuu isku koobay noloshiisa cusub ee ay iyana kula talisay .

Isaga iyo qasacadihii waxa ay noqdeen tol is jecel. Marka uu shelefka ka soo qaado aad buu u farxaa, marka uu selledda ku rido aad buu u riyaaqaa, marka uu furto ee telefiishanka hortiisa la fadhiistana cid ka sarraysa oo uu dunida ku ogyahay ma jirto.

Maanta wuxuu toosay goor hore. Wuxuu sidii caadada u ahayd degdeg ugu toosay tallaajaddii madbakha u taallay, wuu ku hungoobay, wuxuu filayay in lix qasacadood ugu jirto ee laba keliya ayuu ugu tegay.

“Is dhaafi labadaas oo dabadeed dhawr kale soo qabso”, ayay ku guubaabisay .

Waa runteeda intuu isu sheegay, ayuu fuuqsaday labadii qasacadood oo kadinka boobay. Waa maalin aad u qabow, waxa da’aya roob shuux ah oo haddii aad debedda ku raagto si xun kuu qoynaya. Wuxuu weydaartay qolyo uu diirgaranayo oo meel baska laga raaco tuban. Wuxuu dhegaha u raariciyay sheeko ay haysteen. Ma fahmin waxa ay ka hadlayaan. Wuxuu ku turunturroon gaadhay islaan kaadhkii ay baska ku raacilahayd shandaddeeda kaga dhex dhuuntay oo ku foororta. Wuu degdegsanyahay. Waxa ku badhgo’ay dheecaankii noloshiisa waraabinjiray. Wuxuu doonayaa in inta aan dhuumaha dareeruhu maraa engegin uu la gaadho dhawr qasacadood oo kale.

Intuu toban qasacadood degdeg uga soo qabsaday dukaankii ayuu isaga oo lalaya jidkii dib ugu soo dhacay. Wuxuu ku soo baxay nin gamcaha jeebka kula jira oo marba dhinac u dhaqaaqaya. Waxa aad mooddaa tuug u gabbanaya dadka wixii jilicsan ee uu dariiqa ka helo. Wuxuu is yidhi dhinac ka dhaaf, wuu ku soo baydhay, wuxuu uga baydhay dhinaca kale, wuu ku soo baydhay haddana. Sidii ay isugu beegbeegmayeen ayay daf isu soo yidhaahdeen. Wuxuu ku talagalay inuu iska celiyo.

Wuxuu ninkii soo taagay gacan wax ku laabanyihiin.

“Ma rabtaa?” “Maxay?”

“Tan, way ku dhaqaajinaysaa, adiga iyo werwer is arkimaysaan, waa shan gini oo keli ah”

“Ka iibso waad u baahantahaye”, ayay tidhi. “Maya, ka iibsanmaayo, maxaan ku falayaa?”

“Ma rabtaa?”, ninkii oo aad mooddo inuu iska eegayo dadka kale ee jidka maraya ayaa ku celiyay.

“Ka iibso waad u baahantahay, ka iibso”.

Keen, intuu yidhi ayuu shan gini oo qaddaadiic ah siiyay oo isaga oo aan dhinacna eegin tallaabada hoosta ka xaday. Markuu afar qasacadood oo dambe ka saaray ayuu xusuustay wixii ninku ka soo iibiyay. Wuxuu gacanta dalaqsiiyay jeebkiisii. Waa bac yar oo wax ku duubanyihiin. Degdeg buu u kala furfuray, tubaako, sigaar. Aaw! Intuu yidhi ayuu madbakha qabtay oo kabriid ka soo qaatay. Intuu si cumbusan waraaq kuwii tubaakada lagu cabbijiray ah ugu laabay ayuu dab dacal kaga shiday oo dhinacii kale ka nuugay. Quxuquxu! Maaha sigaar cab afkiisa dab hore u galay, cabbaar buu la raftay oo kolba ku saxday. Markuu badhtanka marinayay ayuu qosol ku dhiftay .

Wuxuu eegay dhinaciisa midig, mise wuxuu isha ku dhiftay iyada oo gees fadhida. Wuxuu xusuustay inta sannadood ee ay is yaqaanneen. Shan iyo soddon, kollay isagu kow iyo soddon buu xusuustaa, laakiin sida looga sheekeeyay wuxuu jiray shan iyo soddon. Intaas in ay la joogtay wuu hubaa. Wax badan oo wanaag ah oo taladeedu geyaysiisay ayuu niyadda ka xusuustay .

Wuxuu ka fekeray in ay beryahan dambe dantiisa waddo iyo in kale. Tashi aanu u baahnayn saacaddaas ayaa ku soo dhacay, intuu gees isaga riixay ayuu ku mashquulay sida qiiqii niyaddiisii, wadnihiisii, waaxyihiisii iyo meelkasta u dejiyay. Wuxuu ku gam’ay kursigii.

Muddo door ah ayuu qasacaddii iyo qiiqii u kala dabqaadayay. Waxa isbixinwaayay kharashkiisii. Degmadii uu ku noolaa ayaa iyaduna isbeddelkiisa aad u dareentay. Wuxuu go’aansaday inuu Landhan ka guuro.

“Way kuu fiicantahay in aad Landhan iskaga guurto, Liverpool iska qabo, halkaas baa kuu saxmad, kharash iyo hadalhaynba yar”, ayay talo ku siisay.

Intuu madaxa ruxay ayuu isaga oo aan u juuqin hoosta ka ayiday wixii ay talo u soo gudbisay. Wuxuu urursaday xamaamadiisii markaasuu intuu dhawr shandadood ku buquujiyay tareen ku socda Liverpool dheegga qabsaday .

Sidii ay saadaasha ku bixisay ayay Liverpool noqotay. Cid uu is yidhaahdo wax bay kaa sheegayaan iskuma ay soo bixin. Waa meel ka orod iyo dhababaco yar Landhan. Bartiisii ayuu ka bilaabay qasacad iyo qiiq isweydaaranaya.

Waxa Liverpool ugu soo galay sannadkii koowaad. Wuxuu baankiisii ka soo gororiyay waxoogaa lacag ah oo ku hadhsanaa. Isaga oo qiiqii raadinaya ayuu ku soo baxay mid u eg qof uu diir garanayo oo bartii uu muddoba macmiisha ku ahaa taagan. Cabbaar markii isha la iska eegay ayuu ninkii gacan yar oo degdegaysa dhankiisii usoo taagay oo ku yidhi;

“Shan iyo labaatan”
“Shan iyo labaatan, miyaad waalantahay? Maxaa soo kordhay?”
“Maaha waxa aad moodayso ee jawharad nabdiga iyo wixii werwer hore ugu dhegay si fiican u soo kala fujinaysa weeye tani”, intuu ku yidhi ayuu u dhiibay bac yar oo intuu lacagtii jeebka gashay sidii waraabe carraabo ah dhankaas u heetiyay.

Wuxu ka duwan wixii aad soo iibsanjirtay ee waa maxay ayuu isweydiiyay.

“Irbad, irbad baad u baahantahay, aadna haw shidin”, ayuu ninkii oo sii socdaa ku soo tuuray.

Wuxuu soo lugeeyay jid aan ahayn kuwa uu inta badan maro. Dhawr dhallinyaro ah oo qoladiisa u eg ayaa meel rukun ah tuban. Dhammaantood waxa ay faraha kula jireen cisalkooda. Maxaa baas ee galay ee ay iska xoqayaan ayuu isweydiiyay. Aad buu ugu dhaygagay. Isaga oo weli isha la sii raacaya ayaa waxa soo weydaartay dhawr oday. Waa ay sheekaysanayaan. Waxa ay ka hadlayaan isaga. Wuu yaabay. Waxa ay isla qireen inuu dhowaan Landhan ka soo guuray. Arrimaha uu ku mashquulsan yahay oo dhan bay si degdeg ah u dulmareen. Waa sida ay ku wada dambaynayaan dhammaantood ayay odaygu isku raaceen.

Isaga oo yaabban ayuu ka libdhay odayadii. Wuxuu weydaartay laba islaamood oo qoladiisa ah oo murmaya. In alaabtii hore aan lacag fiicani ka soo hoyan ayay hadalhayeen. Show adduunkaba adiga ayaa mushkiladda ku haysataa ugu fududdahay ayuu is yidhi.

Wuxuu dalaq yidhi qolkii uu degganaa. Wuxuu degdeg u furay bacdii yarayd, waxa kaga soo baxday budo yar oo cad.

“Sowkii inanku kuu sheegay ee ku yidhi waxa aad u baahantahay irbad maaha? Orod oo irbado soo iibso”, ayay ku tidhi.

“Maxaa kaa galay waxa aan soo iibsanayo?”

“Maxaa iga geliwaayay, barwaaqadaadu sow barwaaqadayda maaha, jabkaagu sow jabkayga maaha, miyaynu kala maarmaynaa?”

Isaga oo aan jawaab u celin ayuu kadinka ka booday oo irbad kuwii dadka lagu tallaali jiray ah soo iibsaday. Wuxuu budadii ku foororiyay malqacad yar oo intuu bidh soo qaatay dab yar hoosta kaga shiday. Sidii malaashaan ayaa budadii isku dhalaashay. Markay fadhfadh tidhi ayuu shiliishkii madaxa u geliyay oo ku soo nuugay. Wuxuu dib shaadhka uga xayday gacantiisa bidix oo suunkii uu dhexda ku xidhnaa dhudhunka guntiisa dambe kaga giijiyay. Dhawr xidid oo u eg in ay ka cadhoodeen dhiigga xad dhaafka ah ee loo soo duway ayaa mudh soo yidhi oo si wanaagsan isu soo bandhigay.

Isaga oo ilkaha ku xejinaya suunkii ayuu gacanta midig ku soo qaaday shiliishkii oo budadii oo milantay ka dhaansantahay. Xidid meel xagasha gacanta u dhow ka soo booday ayuu toos ugu joojay irbaddii.

Aah! Xiniftii hore intuu xejistay ayuu dabada ka riixay shiliishkii oo ku dhammeeyay wixii ku jiray oo dhan. Intuu suunkii gacanta ku giijisnaa iska debciyay ayuu isaga oo dareensan in garaacii wadnihiisu kordhay kursigii dib isugu tuuray.

“Khamri, xashiishad, kookayn, maxaa kuu hadhsan ee aad soo kordhinaysaa”, ayay weydiisay isaga oo ka baraarugay hurdo dheer oo uu ku raagay .

Uma jawaabin. Wuxuu doorbiday inuu ka aammuso. Haddii aad la hadasho arrimuhu way idinla fogaanayaan ayuu is yidhi. Gar badan baad ku leedahay, iyaduna waxa ay u haysataa in ay wax ku tarto ayuu isugu sheekeeyay.

“Maxaad ku wanaagsan tahay? Maxaad dunida ka qabanaysaa? Maxaa lagugu falayaa ee aad mujtamaca ugu filan tahay?”

Ha u bixin ayuu talo ku goostay. Maanta waxa ay u muuqataa in ay muran u soo qoordiidatay.

Beryo door ah ayuu sidii ku waday. Wuxuu dhammaystiray daldaloolinta xididada jidhkiisa oo dhan. Habeenkii dambe ayuu waayay xidid uu irbadda ku mudo. Wuxuu damcay inuu sarcanta bidix oo uu dhawr bilood ka hor saddex meelood ka dalooliyay bal ku dayo. Beryahan sidii hore maaha, aad buu u taagdarreeyay.

Wuxuu cabbaar la ciirciiray irbaddii. Wuxuu hore u waayay xididkii. Sidii uu marba addinka bidix meel u saarayay ayuu siibtay. Irbaddii ayaa intay ku aroortay sarcantii oo muruqyada iyo seedaha fadhiisatay bartii ku jabtay. Isaga oo dhiig meelwalba ka hoorayo ayuu ka soo baxay gurigiisii oo reer

jaarka ah ku garaacay. Waxa dhiftay dhooli oo ula cararay cisbitaalka weyn ee Royal Liverpool University Hospital.

Waxa laga soo saaray irbaddii oo inta balastar lagu soo dhejiyay lagu soo riixay kursi yar oo ordaya. Waxa la dhigay qol dhawr qof oo bukaan ahi jiifaan. Wuxuu isha ku dhiftay laba hablood oo qoladooda ah. Sidii wax garanaya ayay indhaha ugu xadeen oo haddana daymada degdeg uga jeediyeen.

“Magacaa be’, maxaad maanta nolol ku falaysaa, bal halka geyaankaa kadlaynayo adiguna aad keeryoomo lagugu sido ku dhexjirto eeg”, ayay si tiiqtiiqsi ah ugu tidhi.

Intaas oo qudha kagama ay hadhin. Wixii uu ka warwareegayay ee islahaa ha u furfurin ayay iyadii furfuratay. Waxa ay maanta u soo qoordiidatay in aanay waxba isula hadhin.

“Tan iyo maalintii aad dalka soo gashay wax aad halkan iyo hal kale midna ka dhaqatay lama hayo. Dadka filkaa ah oo dhammi waa kuwaas muuqda ee meel ka soo baxay. Berigii hore waxa aad ku ladnayd balwad ayaanad aqoon, se imika waadigaa sidii geel dar loo horay xaalkaagu hoobiyo hiddoy noqday. Maantana irbado tan iyo dhuuxa aroorraya ayaa kuu quud iyo cabbitaan ah”, garnaqsi aad u dheer ayay isu raacisay.

“Aniga, ma aniga ayaad sidaas iila hadlaysaa?”
“Haa, runta wax kuu tilmaama ayaad u baahantahay”, ayay ugu jawaabtay. “Kala run baynu nahay intuu yidhi”, ayuu kursigii lagu riixayay iskaga gam’ay .

“Toos waa kan dhooligii lagugu qaadilahaaye”, ayay gabadh kalkaaliso ahi ku wargelisay.

Mahadsanid intuu yidhi, ayuu is ururshay. Waxa loo soo walaandeeyay dhinacii dhooliga. Cabbaar yar ka dib ayaa lagu soo tuuray gurigiisii oo sidii uu ku ogaa isaga cidla iyo sanqadh badan. Maanta madaxiisu intii hore wuu ka culusyahay. Waxa ku kordhay miisaan hadalkeedii ku siyaadiyay. Wuu ogyahay in waxkasta oo ka khaldan ay eedda qaybteeda leedahay. In ay isaga keligii wax saarto maaha. Gar eexo in la naqaa ma habboona ayuu is yidhi. Sidatan kuma wada jiri kartaan ee waa in aad tashataa. Haseyeeshee yaad la tashanaysaa? Haddii aanad talada iyada ka qaybgelin sidee wax u hagaagayaan? Oo iyadii ma talo ayay kaaga fadhidaa sowtan adigii eedaysanaha kaa yeeshay maaha.

Wuxuu u jiitamay qolkii hurdada. Inkasta oo gurigu aad u qabowyahay in dab uu shito iyo inuu isdiiriyo midna uma dhaqaaqin ee iska seexo ayuu talo isugu daastay. Wuu gam’ay. Wuxuu galay sardho dheer.

“Nacas xun baad tahay, bal wax aad maantadaas ku wanaagsan tahay oo aan kugu ayido ii sheeg”, ayay isaga oo sardho laastay oo is rogay dhegta u saartay .

“Ma anigaa nacas xun ah? Aniga ayaad sidaas iila hadlaysaa oo halkaas i joojisay sow maaha? Waa labadeenna haddii aanan nafta kaa qaban hebel la ima yidhaahdo”

“Ahahaha, labadeenna! Oo ma awel baa cidi ina wehelinaysay? Ma anigaad se i leedahay naf baan kaa qabanayaa, meel aad joogto ayaanad is ogayn”, ayay ku tidhi.

“Ha ila murmin”
“Muran maaha ee runta ayaynu isu sheegaynaa, ma waxa aad leedahay yaan cidi waxba ii sheegin?” ayay ku tidhi.
“Kollayba cid kale ha joogtee adigu in aad wax ii sheegto ma lihid, saa cidda bartaas i dhigtay waa adigee, imikana aan kaa seexdo ee i daa”.

“No, no, no, cid seexanaysaa ma jirto, waa in aynu kala baxnaa oo midkeen reerka u hadhaa”, ayay ku adkaysatay.
“Maad inaga deysid waxba kala biximaynee”, wuxuu doonayaa inuu iska seexdo. Daal xun baa haya, curriyadii iyo waraabayaashii balwaddiisu keeni jirtay baa fadalkiisa ku taagan, tamar uu kula murmo iyo mid uu ku hadlo midnaba ma hayo.

“Wax la deynayaa ma jirto ee inala kala saar”, ayay ku adkaysatay.

“Waa hagaag, sow asxaantii kuma aad bukoon”, intuu yidhi ayuu hurdadii ka toosay. Wuxuu seetada ka furay talo dhawr jeer maskaxdiisa soo hormartay se aanu weli si wanaagsan u go’aansan fulinteeda, caawa ka hor.

Waa in aad kala hadhaan caawa. Wuxuu ka soo baxay qolkii uu jiifay. Wuxuu ku dhaygagay siliigga sare. Wuxuu baadiddoon ugu jiraa meel uu ka soo laalaadiyo, uma muuqan. Wuxuu galay madbakha, mindi, maya dhiig badan bay daadinaysaa adiguna diyaar uma tihid wax aad masaxdo iyo hawl dheeraad ah.

Wuxuu baadhay gurigii oo dhan. Meel xadhig uu sudho ayuu ka deyayaa. Wuu ka quustay. Wuxuu go’aansaday in ay debedda isula baxaan oo uu halkaas kaga sed qaado. Nabar sii qaado ayuu is yidhi, uma baahnid gamcahaaga ayaa ku filan.

Wuxuu furay kadinkii guriga, waa habeen, jidka iftiinka ka baxayaa waa diciif. Sekedda oo dhan waa laga hurdaa. Baabuurta jaarkiisa ee geeswalba loo taxay iyo sida aan midna guuxii lagu yaqaannay uga baxayn ayaa

juuqla’aanta xaafadda ku yuururta sii kordhinaya. Wuxuu isha la raacay jidkii oo dhan. Wuxuu xusuustay in sekedda ka soo horjeedda dhinaca midigta uu ku yaal aqal qabyo ah oo dhisme cusubi ka socdo. Waxa hortaal haan bir ah oo dusha ka furan oo kuwa xashiishka lagu guro ah. Waxa ka buuxa dhagxan iyo qori wixii dhismaha laga fujiyay.

Ahaa! Bartaasi meel aad adiga iyo iyadu ku kala ciilbeeshaan way u egtahay ayuu is yidhi. Wuxuu go’aan kama dambays ah ku gaadhay in midkood reerka u hadho.

“Hagaag, in badan baan kuu dulqaatay, in badan baad iga reebtay wax aan aad u rabay oo taladaadu i hodday, in badan baan ku dhegaystay, caawa waa habeenkii isugu keen dambaysay, bes, khalaas, adiga iyo aniga way inoo kala dhammaatay”, intuu yidhi, ayuu u raaciyay;

“Soo bax rukunkan baynu ku kala sedqaadaynaaye”.

Wuxuu illaday laba kabood oo meesha u yaallay. Wuxuu eegay gacantiisa midig, nabar inuu sito buu ismoodayay, waxba kuma arag. Guriga ku noqo oo dubbe iyo wax ka soo da’ayo ayuu is yidhi. Maya, uma baahnid ee gacanta ayaad kaga adagtahay intuu isku qanciyay ayuu debedda u booday oo albaabkii xidhay.

“Maxaad isla waalaysaa? In aanad iska kay celinkarayn sow ma ogid? Naqaska haddaanan kugu dhejin hebel la ima yidhaahdo”, wuxuu ciijiyay cunaha.

“Nacas baad tahay ee ha i dilin igama maarantide”, ayay iyada oo neefkudinaysa ku tidhi.

“Ha i dilin, sasabo aad igula wareegto ayaad baratay, caawa waxaasi iga kaa khaarajinmaayaan”, intuu ku yidhi ayuu birtii qashinka iyo dhagxan balballaadhan oo dhexfadhiday madaxa ula dhacay.

Wuxuu ku jiraa dagaal aad u qadhaadh. Waa dagaal uu jecel yahay inuu noloshiisa ku xoreeyo. Wax kasta oo qalloocsamay in ay iyadu sababtay buu u arkaa. Isagu eed uu leeyahay ma jirto. Waxa niyaddiisa ku jirta haddii aad iyada iyo hawsheeda iska reebto dunidu meel kuu naxariis iyo barwaaqo badan bay noqonaysaa. In aanay kala hadhi karin, sida ay iyaba u tilmaantay, isaga caawa xisaabta uguma jirto.

“Segegeryahow ha i dilin? Naqaskii baad igu dhejisay, dakharro balballaadhan baad iga jeexday, sidani si ku dhaqaysa anigana i dhaqaalaynaysa maaha”, Markii ay aragtay in xaalku meel xun marayo ayay cabasho dheer usoo jeedisay.

Uma jeedo cabashadeeda. Wuxuu ku jiraa halgan aan dhammaad lahayn, wuxuu dareemay dawakhaad iyo madax wareer xad dhaaf ah. Dhawr jeer intuu xoog madaxeedii ugu dhiftay birta gunteedii ayuu markuu jabaq iyo taah midna ka waayay goostay inuu ka hulleello.

Iyana ha i dhaafto, hadduun baan ka nasanayaa qaxarkeedii. Wuxuu isaga oo aad u daallan ku soo noqday gurigiisii.

“Maxaa ku dhacay tolow?”
“Garanmaayo ee goorahanba wuxuu ku foororay birtaas xashiishka, waxa aad moodaysay inuu wax gilgilayo”

Laba dumar ah oo ay deris yihiin oo arkay markuu wax gilgilayay ayaa is weydiiyay in ninkii deriskooda ahaa caawa wax ka si noqdeen iyo in kale.

Wuxuu toos ugu hagaagay sariirtiisii oo isaga oo aan doonayn in la qalindaaro bustihii hoosta ka galay. Intuu ka fekeray waaga cusub ee usoo beryaya iyo wacdaraha cusub ee uu ula imandoono, ayuu isaga oo aad u faraxsan, kuna rajo weyn mustaqbalka aroorta loo dhiibidoono qosol yar hoosta kaga dhiftay oo iska gam’ay.

Sida uu ku yimi ma uu fahmin ee wuxuu is arkay uun isaga oo maxkamad dhexfadhiya. Wuxuu ku dhaygagay siliigga sare ee dhismaha maxkamadda oo ka samaysan qoryo waaweyn oo isweydaaransan iyo duur dusha sare lagaga deday. Aad buu ugu fiirsaday, waxa ay la noqotay in qul madow iyo dukhsi aad u dheeraynayaa tiirarka dushooda is eryanayaan. Cabbaar buu ku dhaygagay, markii indhihii ku daaleen qulka iyo dukhsiga is eryanaya ee aan haddana is gaadhayn ayuu dhinacii maxkamadda isaga oo soo jeestay.

Wuu yaabay, wuxuu aad uga yaabay maxkamadda iyo dacwadda ka socota. Qofka keliya ee meesha fadhiyaa waa isaga. Cidda dacwaddu ku soconaysaa waa isaga. Dacwadda lagu qaadayaa waa tu ku saabsan dembigii uu mardhowayd soo galay. Xaashadaha meesha tuuran iyo sida kiiska la isugu dubbariday wuxuu dareemay in aanu dacwaddan guul ka qaadayn.

Tolow goorma ayuu xaakinkii maxkamadda fadhiisanayay imanayaa, ayuu isweydiiyay .

“Xaakin imanayaa ma jiro, labadeenna oo keliya ayaa meesha ku garqaadanayna, waxa kaaga muuqda siliigga maxkamaddu waa waayahii adduun oo maalinba sida ay doonaan iska dhigaya”, qudheedii uu caawa soo dilay ayaa hadalkeedii u baxay.

Aaaaah! Intuu qaylo ka dhawaajiyay ayuu sariirtii ka soo booday. Waa riyo. Waad riyoonaysaa. Wuxuu arkay iftiinka daaqadda ka soo gelaya. Waa

goorma? Wuxu isha ku deyay saacad miiska agtiisa ah saaran, sagaalkii iyo badhkii ayay tilmaamaysaa. Iska toos oo shaah samayso ayuu iskula shawray.

Wuxuu u jiitamay dhinacii suuliga, intuu kaadi ku biirtay isdhaafiyay ayuu muraayad derbiga ku rakibnayd is hortaagay. Hayaay! Waa maxay sidani? Sidee wax u dhaceen? Wuxuu arkay wejigiisii oo kood waliba buuran yahay. Waxa ka daran dibnaha oo aad mooddo in dhulka loola dhacay.

Wuu yaabay, wuxuu garanwaayay meesha laga helay. Xalay suuqa miyuu u baxay? Ma cid bay isdileen? Sidee loo helay?

“Waa qayb kale oo ka mid ah nacasnimadaadii, in aanad naf lahayn sow isma aad ogaan”, ayay ku tidhi isaga oo muraayaddii ku dhaygagsan.

“Adiga, miyaad weli nooshahay? Maxaa i kaa agdhigay!”

“Aniga? Kala maarmimayno labadeennu, midse naf leh ma tihid ee iska seexo”, ayay ugu jawaabtay.

“Waa runtaa”, intuu yidhi ayuu isaga oo aad ugu qoslay sida aanu naf u lahayn sariirtiisii ku laabtay oo hurdo cusub ku celiyay.

Cabdillaahi Cawed Cige
edleh@hotmail.com
Janwari 2006