Category Archives: Faarax Maxamed Jaamac “Cawl”

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl
Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Arar
Kicitaankii Cawrala Iyo Cali-Maax
Safarkii Doonnida iyo Kulankii Cawrala iyo Cali-Maax
Cawrala iyo Duxashadii Jacaylka
Duullaankii Daraawiishta ee Badda Cas
Dhaawacii iyo Dhiigkafuqii Cali-Maax
Welwelkii iyo Walbahaarkii Cawrala
Arooskii Cawrala loo Aroosay Geelle
Geeridii Cawrala iyo Baroordiiqii iyo u Ducayntii Cali-Maax
Kicitaankii Cawrala iyo Cali-Maax
Safarkii Doonnida iyo Kulankii Cawrala iyo Cali-Maax
Cawrala iyo Duxashadii Jacaylka
Duulaankii Daraawiishta ee Badda Cas
Dhaawicii iyo Dhiigkafuqii Cali-Maax
Welwelkii iyo Walbahaarkii Cawrala
Arooskii Cawrala loo Aroosay Geelle
Geeridii Cawrala iyo Baroordiiqdii iyo u Ducaynti Cali-Maax

Arar

In kastoo sheekadanu tahay mid la qurxiyey lana xariiriyey qaarkeed, hase ahaatee waa mid run ah oo ka dhacday dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1913kii ilaa 1922kii waxayna ku saabsan tahay jacayl ay gabar la dhihi jirey Cawrala Barre jeclaatay ninka la oran jirey Cali-Maax.

Cali-Maax wuxuu ahaa markaas afartan jir xaas leh, wuxuuna ahaa nin garaad fiican leh gabayaana ah, waxse nasiib darro ahayd inaanu sida wax loo akhriyo ama loo qoro aqoon, taasoo ay ka dhasheen dhibaatooyin waaweyn oo ka gaaray xaashadihii gabayada jecaylka sirta ahaa oo ay u dirtay Cawrali.

Haddaba, in kastoo sheekadani salkeedu yahay jacaylkaas dhex maray Cawrala iyo Cali-Maax, ula jeedooyinka ku jiraa loogana dan leeyahay, oo ay wax ka tusaalaynaysaa waa waxyaalaha hoos ku qoran.

b) Tan u horraysa, waxay wax ka tusaalaynaysaa dhibaatooyinka, danqaaraha iyo waxyeellada ay dadka u leeyihiin wax akhris la’aanta iyo wax qoris la’aantu.

t) Tan labaad sheekadanu, waxay tusaalaynaysaa heerkay haweenka Soomaaliyeed kaga jireen dhaqanka iyo murtida Soomaaliyeed, isla markaasna waxay muujinaysaa qaybtey jacaylka ka qaateen beryihii hore.

j) Tan saddexaad oo ah tan ugu qaaya weyn, waxay daaha ka qaadaysaa ruuxa waddaniga ah oo dalkiisa kalgacal u qabaa inaanu ahayn kan dib uga laabma ama ka cataaba hadduu dhibaatooyin iyo silic kala kulmo daryeelidda, ilaalinta xornimada, iyo gobannimada dalkiisa.

x) Tan afraad waxay wax ka tusaalaynaysaa samaha sinnaantu leedahay, iyo saymihii sinnaan la’aantii ka dhexaysey raggiyo haweenkii hore. Waxay kaloo isla mar ahaantii wax ka tusaalaynaysaa taariikhda, dhaqanka qotada dheer iyo caadooyinkii ummadda Soomaaliyeed.

Kh) Tan shanaad waxay wax ka muujinaysaa joqoraafiga iyo taariikhda gobolkaas Sanaag oo ah gobolkay ku dhasheen Cawrala iyo Cali-Maax, isla markaasna waxay tusaalaynaysaa faa’iidooyinka kalluunka cuniddiisu u leedahay dadka.

d) Tan lixaad waxay tusaalaynaysaa in haasaawaha iyo muranka lagu murmo af Soomaaliga ay lagama maarmaan tahay in murti, gabay, saar, geeraar, hees, guurow, jiifto, shirib iyo maahmaaho ay saldhig u ahaadaan, haddiise aanay murtidaasi ku jirin taageeraynna, wax kastoo lagu hadlo, fara kastana hadalku ha lahaadee, inuu qiimihiisu yar yahay. Sidaas darteed, waxay ka fursanwaa noqon weydey, inay sheekadanu gabay, maahmaaho iyo heeso ku dhisnaato, oo ay meelo badan ka soo galaan.

Haddaba, inkastoo berigaas magac heello la yiraahdo aanu jirin, hase ahaatee waxa jirey heeso la sansaan ahaa, laakiinse ay dhihiddoodu iyo habka ku luuqayntoodu ka duwaneyd heellooyinka haatan jooga. Markaas heesaha buuggan ku qoran iyagoo ah heesihii berigaas jirey baa misna sidii heesaha maanta jooga loogu luuqayn karayaa.

AFEEF: Ugu dambaystii, iyadoo sheekadani tahay mid run ah, hase ahaatee sidaan hore ugu sheegay aan qaarkeed xarxariiriyey, khaas ahaanna qaarkeeda dambe dheehdheehay, si ay taabba gal u noqoto, waxaa markaas iga afeef ah in haddii innaba wax dhaliil iyo daldalool ahi ka muuqdaan habka iyo hannaanka dhismaheedu yahay ay sabab u tahay afkeennoo aan hore u qornaan jirin, oo markaas aan hab la raaco qorriinkiisu lahayn hadda ka hor. Iyadoo ay misana dhibaatooinkaasi jiraan, saas looga harimaayo, waayo waxaa Soomaalidu ku maahmaahdaa canaan ka yaab reer ma doojiyo.

Midda kale dadka magacyadoodu buuggan ku qoran yihiin qaybna kaga jira sheekadan, laakiinse aanay wehelin Cawrala iyo Cali-Maax iyo raga gabayadoodii xigashada loo soo qaatay, waa magacyo dad dedan oo lagu dhisay sheekadan.

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Continue reading Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl

Dhibbanaha Aan Dhalan

Sheekadaan waxaa qoray qoraaga caanka ah ee Faarax Maxamed Jaamac “Cawl” isagoo xus uga dhigay 37dii ardey iyo 4tii macalin ee sida arxan darrada ah ay ugu xasuuqeen magaalada Boorama diyaaradihii Xabashidu iyo kuwii kale ee ay nolosha ku naafeeyeen 30kii Janaayo 1984tii.

Tusmo

Hordhac
Qeybta Koowaad
Qeybta Labaad
Qeybta Saddexaad
Qeybta Afraad
Qeybta Shanaad
Qeybta Lixaad
Qeybta Toddobaad
Qeybta Siddeedaad
Qeybta Sagaalaad
Qeybta Tobnaad
Qeybta Kow iyo Tobnaad
Qeybta Labo iyo Tobnaad
Qeybta Saddex iyo Tobnaad
Nolosha Qoraha

Hordhac

Dhibbanaha Aan Dhalan waa sheeko xaqiiqda dhabta ah ka muujinaysa darxumada iyo dhibaatada cadowgu gaar ahaan kan Amxaaradu ku hayeen ummadda Soomaaliyeed ee degta Galbeedka Soomaaliya ee uu cadowgu maanta haysto. Waa sheeko isugu jirta jaceyl iyo naxdin taas oo lasoo darsaysa wiil iyo gabadh isjeclaaday islamarkaana cadowgu kala dhexgalay jecaylkoodii iyagoo waliba gabadha reerkii ay ka dhalatay dhammaantood, iyada mooyee, xasuuqey. Wiilka magaciisu waa Dalal, gabadhana Bilan. Bal aan uga hadho qoraaga hanoosoo bandhigee sheekadaan layaabka leh ee cajiibka ah.

Continue reading Dhibbanaha Aan Dhalan