Category Archives: Shaykh Muxammad Cabdul-Wahaab

128 Arrimood oo kamid ah Arrimaha Jaahiliyada

١٢٨ مسألة من مسائل الجاهلية
للإمام محمد بن عبد الوهاب رحمه الله تعالى
وترجمة معانيه إلى اللغة الصومالية
بقلم
محمد آدم إبراهيم شاكر

shaakir123@hotmail.com

Wuxuu yiri Sheekh Muxammed ibnu Cabdiwahaab Allaah Koreeye ha u naxariistee:

Kuwani (waxa kitaabkaan uu ka hadlaayo) waa arimo uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay (kaga hor yimid, uu ku diiday) wixii ay ku dul sugnaayeen ahlu jaahiligii Ahlu Kitaabka ahaa (waa Yahuud iyo Nasaara) iyo umiyiintii (waa mushrikiintii Carbeed)

Waana wax uusan ka kaaftoomin qofka Muslimka ah garashadeeda (inuu garto arimahaani uu Rasuulka ﷺ inkiray ee Jaahiliga ahaa).

Lidka (wax wax ka soo hor jeedo) waxaa muujiyo quruxdiisa lidka (kale) (wixii ka soo hor jeeda oo kale) (qof dheer wuxuu dhererkiisa aad u muuqanayaa markuu qof gaaban la socdo, ama qofka fiican waxay fiicnaantiisa aad kuugu muuqanaysaa markaad qof xun aragto) – waxyaabahana waxay ku cadaadaan wixii ka soo hor jeedo.

Waxa ugu muhiimsan ee arinkaasi (jaahiliga) ku jira uguna khatarnimo daran waa qalbiga uu rumayn waayo wuxuu la yimid Rasuulka ﷺ, haddii uu ku darmo arrinkaasi (oo rumayn-la’aanta ah) wanaag u arkid waxa ay ku sugan yihiin jaahiliinta khasaaradii way dhamaystirmatay (oo khasaaro ma dhinno hadii wixii uu Rasuulka ﷺ la yimid la rumayn waayo wanaagna loo arko waxa ay jaahiliinta ku sugan yihiin) siduu yiri Allaah Koreeyee: “Kuwa rumeeyay baadilka kuna kufriyay Allaah kuwaasi waa kuwa khasaaray.”

1. (Mas’alada koowaad ee uu Nabiga ﷺ ku khilaafay kuwaasi waxay ahayd) ayaga (waa jaahilayada) waxay (Allaah) ku caabudaan ayagoo kula wadaajinaayo saalixiinta baryada Allaah iyo cibaadadiisaba (waxayna sidaasi u yeelayeen) ayagoo rabaan inay saalixiinta uga ergo noqdaan Allaah agtiisa (waxayna sidaasi u sii yeelayaan) maladooda ay u maleenayaan darteeda in Allaah uu jecelyahay arinkaasi (ay sameenayaan) iyo in saalixiinta ay jecelyihiin arinkaasi, siduu Allaah koreeyee yiri:

“Waxay caabudayaan (mushrikiinta) Allaah sukadiisa wax aan dhibaynin (haday iska dhaafaan) waxna aan u taraynin (hadday sameeyaan) waxayna leeyihiin kuwaani waa kuwa nooga ergo noqonayaan Allaah agtiisa.”

Allaah Koreeye wuxuu yiri: “Kuwa sameestay Allaah sukadiisa awliyo (waxay leeyihiin) uma caabudayno kuwaani waxaan ka ahayn inay noo dhaweeyaan Allaah u dhawaansho.”

Tanina (waxay mushrikiinta sameenayaan) waa mas’alada ugu wayn ee uu ku khilaafay Rasuulka ﷺ mushrikiinta, wuxuu la yimid (Nabiga ﷺ) Ikhlaas (Diinka oo Allaah loo barax tiro), wuxuuna sheegay in Ikhlaasku yahay Diinkii Allaah uu ula soo diray Rususha oo dhan, iyo inaan la aqbalaynin acmaasha Ikhlaas maahanee, wuxuuna sheegay in qofkii sameeya waxay wanaajisteen (oo ay ayaga wanaag u arkayaan) in xaqiiqdii uu Allaah ka xarimay Jannada hooygiisana uu ka dhigay Naarta.

Tanina waa mas’alada darteeda ay ku kala tageen dadka ayna ku kala noqdeen Muslim iyo gaal, waana mida ay agteeda ka dhacday cadaawada (waxa lagu kala coloobay waa arinkaan), darteeda ayuuna Allaah u jideeyey Jihaadka siduu Allaah yiri:

“La dirira gaalada ilaa laga waayo fitno (shirki) Diinkana u ahaado (u saafi garoobo) dhamaantiisa Allaah.”

2. Jaahiliyada waxay ahaayeen kuwo ku kala tagsan diinkooda, siduu Allaah Koreeye yiri:

“Koox kasta waxay haystaan ayay ku farax san yihiin,”

sidaasoo kalena (way ku kala tagsanaayeen arimaha) aduunyadooda, waxayna u arkaayeen in arinkaasi (kala taga ah) uu sawaabka yahay, wuxuuna la yimid (Rasuulka ﷺ) in lagu midoobo Diinka (Islaamka) waxa uuna kula yimid qawlkii Allaah:

“[Allaah] wuxuu idinkaga jideeyey Diinka wixii uu kula dar-daarmay Nuux (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) iyo wixii aan kuu waxyoonay (adiga Rasuulka ah ﷺ) iyo wixii aan u dardaarannay Ibraahiim iyo Muusa iyo Ciise nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee (dardaarankaasi oo ahaa) in aad oogtaan Diinka aydaana ku kala tagin Diinka dhexdiisa.”

Waxaana uu yiri Allaah Koreeye: “Kuwa kala geeyey Diinkooda ahaadayna kooxo kooxo waxba ugama mid tihid (meelna kama soo gashid ayagana meelna kaama soo galaan waxba isuma ihidiin),”

wuxuuna Allaah inooga reebay qawlkiisa u ekaanshiyaha (isu ekeen siinta) kuwaasi:

“Hana ahaanina kuwii kala tegay oo kale isna khilaafay ka dib markuu u yimid aayaatkii cad cadaa,”

wuxuuna nooga reebay (Allaah) kala taga aduunyada dhexdeeda:

“Qabsada xariga Allaah dhamaantiina hana kala tegina.”

3. (Mas’alada 3aad uu Nabiga ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd in ay u arkayeen) in la khilaafo oo laga hor imaado waliyul amriga (qofka madaxda ah) iyo in loo hogaansami waayo ay tahay fadiila (wax wanaag dheeraad ah leh), maqlidana (waliyul amriga warkiisa la maqlo) iyo adeecida (amarkiisa la adeeco waxay u arkaayeen) dulli iyo ihaano (liidnaan ayay u arkayeen), wuuna ku khilaafay Rasuulka ﷺ jaahiliyadaasi wuxuuna amray in lagu sabro tagri falka madaxda, wuxuuna amray maqlid iyo adeecid madaxda loo sameeyo (waa wixii macruuf ah) iyo in loo naseexeeyo (markii ay qaldamaan), wuuna adkeeyay Rasuulka ﷺ arinkaasi wuuna muujiyey wuuna ku cel celiyey.

Sedexdaanina waa midda uu (Rasuulka ﷺ) ku aruuriyay wixii uga ansaxay saxiixa oo ah inuu yiri (Nabiga ﷺ):

“Allaah wuxuu raali idinkaga noqonayaa sedex (arimood) oo ah inaad caabudaan Allaah aydaana u shariik yeelina Allaah waxba, iyo inaad qabsataan xariga Allaah dhamaan (kala harid la’aan) oo aydaan kala tagina, iyo inaad u naseexaysaan dadkuu Allaah arinkiina u dhiibay (madaxdiina).” Xadiithka waxaa soo saaray Muslim.

Mana ku dhicin hoos u dhac dadka Diinkooda iyo aduunyadoodaba illaa waxaa sabab u ah hoos u dhac ku yimaada sedexdaan arimood ama wax ka mid ah.

4. (Mas’alada 4aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) in jaahiliyada diinkooda uu ku dhisnaa usuul ay ugu waynayd taqliid (ab-kasoo-gaar wax ay aabayaashooda ka soo gaareen), taqliidkuna uu yahay qaacidada ugu wayn ay gaalada dhamaantooda leeyihiin koodii ugu horeeyey iyo koodii ugu dambeeyey, siduu Allaah u yiri:

“Sidaasoo kalena uma aanan dirin hortaada magaalo mid u diga illaa waxay dhahaayeen kuwaada loo nimceeyey anaga waxaan ka helnay (ka soo gaarnay) aabayaasheena diin ay ku dul sugnaayeen, anagana waxaan nahnay kuwo raadkooda ku dayanaayo (oo aan meelna uga leexanaynin),”

Wuxuuna yiri Allaah: “Markii lagu dhaho (mushrikiintaa gaalada ahayd) raaca wuxuu Allaah soo dejiyay, waxay dhihi jireen bal waxaan raacaynaa wixii aan ka helnay (aan ka soo gaarnay) aabayaasheena ayagoo ku dul sugan, (Allaahna wuxuu yiri miyay iska raacayaan) hadii uu Shaydaanku ugu yeeraayay aabayaashooda cadaabka (Naarta) Saciiro.”

Nabigana ﷺ wuxuu ula yimid jaahiliyada qawlkii Allaah:

“Waxaad dhahdaa (Nebiyow) waxaan idinku waaninayaa hal arin oo keliya (taasoo ah) inaad isu taagtaan (u jihaysataan) Allaah adinkoo laba laba ah iyo adinkoo keli keli ah ka dibna aad fikirtaan inaanu ahaanin saaxiibkiin (Nabi Muxammed ﷺ) nin waali ku sugan.”

iyo qawlkii Allaah ayuu ula yimid: “Raaca waxa la idinkaga soo dejiyay xaga Rabigiina, hana raacina Allaah sukadiisa awliyo yaraa, inta aad waansamaysaan.”

5. (Mas’alada 5aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) in qawaacida jaahiliyada (ay wax ku miizaamaan) kuwooda ugu waawayn ay ka mid ahayd ku kadsoomida ay ku kadsoomeen badnaanshiyaha (meesha ay dadka u badan yihiin), waxayna u xujaystaan badnaanshiyaha saxiixnimada shayga, waxayna u daliishtaan baadilnimada shayga hadba siday dadka u qariibsadaan (ula yaaban yihiin) waxaasi iyo sida ay u yar yihiin dadka shaygaasi taageersan, wuxuuna ula yimid Rasuulka ﷺ wax ka soo hor jeeda arinkaasi (miisaanka ay wax ku kala saarayeen) wuxuuna ugu cadeeyey meel wax ka badan oo Qur’aanka ka mid ah.

6. (Mas’alada 6aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) xujo ka dhigashada ay xujo ka dhiganaayeen dadkii hore sida uu cadeeyey qawlkii Allaah:

“Wuxuu yiri (Fircoon dadkii) qarniyadii hore xaalkooda muxuu ahaa (oo miyay qaldanaayeen), kama aanan maqlin arinkaan (aad noola timid) aabayaasheenii hore.”

7. (Mas’alada 7aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) daliilsasho ay daliilsanaayeen umad la siiyay awood xaga fahamka ah iyo shaqada, iyo boqortooyada iyo maalka iyo jaaha (maamuuska), Allaahna wuxuu ku radiyay arinkaasi (daliishigoodaasi) qawlkiisa:

“Xaqiiqdii waxaan makaninay (u suura gelinay, siinay reer-Caad) wax aanan idin makaninin (aanan idin suuragelinin, aanan idin siinin),”

iyo qawlkiisa ayuu ku radiyay Allaah:

“Waxayna hore u ahaayeen (Yahuuda inta aan Nabiga ﷺ la soo dirin kuwo ka rajeeya soo bixitaanka Nabi Muxammed ﷺ ) inay kaga gargaarsadaan kuwii gaaloobay, markuuse u yimid (Yahuudii) way ku gaaloobeen Nabiga,”

iyo qawlkiisa ayuu ku radiyay Allaah:

“Waxay Nabiga u garanayeen (Yahuuda) siday wiilashooda u garanayeen.”

8. (Mas’alada 8aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) daliilsiga ay u daliilsanayeen baadilnimada shayga, inaysan raacin shaygaasi kuwa ducafada (taagta daran) maahanee, siduu Allaah qawlkiisa ku sheegay (waxay dheheen qawmu-Nuux):

“Ma waxaanu ku rumaynaynaa adigooy ku raaceen kuwa dulaysan (ee liita waa siday yiraahdeenee),”

iyo qawlka Allaah:

“Ma kuwaanuu Allaah ku manaystay (ku galadaystay Islaamka) dhexdeena?”

Allaahse wuu ku radiyay qawlkiisa:

“Miyuusan Allaah ahayn mid ku ogaal badan kuwa mahadiya? (Haa waaye jawaabta.)”

9. (Mas’alada 9aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) ku dayasho ay ku dayanayeen culimada faasiqiinta ah iyo cubbaada faasiqiinta ah (kuwa cibaadadooda aan daliilka iyo Diinta ku dhisnayn), wuxuuna la yimid (Rasuulka ﷺ) qawlkii Allaah:

“Kuwa Xaqa rumeeyow in badan oo ka mid ah axbaarta (culimada Yahuuda) iyo ruhbaanta (culimada Nasaarada) waxay ku cunaan xoolaha dadka si baadil ah waxayna ka celiyaan (dadka) waddada Allaah (Xaqa),”

iyo qawlkii Allaah:

“Ha ku xad gudbina Diinkiina xaq waxaan ahayn (wax aan ka mid ahayn ha ku soo darina) hana raacina umad hore u dhuntay hawadooda, in badanna dhumiyay (sabab u noqotay) ayagana ka dhumay waddadii sinnayd (toosnayd).”

10. (Mas’alada 10aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) daliisashada ay Diinka inay baadil ku sheegaan u daliishanaayeen faham-yarida Diinka dadkiisa iyo inaysan xifdigooda uusan jirin sida hadalkooda ahaa:

“Kuwa ku degdega ra’yiga (oo aan ra’yi fiican lahayn) waa siday ayaga yihiin.”

11. (Mas’alada 11aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) daliisashada ay qayaaska faasidka ah daliishanayeen sida hadalkoodii ahaa:

“Ma tihidiin dad anagoo kale ah mooyaanee.”

12. (Mas’alada 12aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) inkiridda ay qiyaaska saxiixa ah inkireen, kan (inkirida qiyaaska saxiixa ah) iyo wixii ka horeeyey (daliilsiga qiyaaska faasidka ah) waxa kulminaayo (oo sabab ugu ah inay 2daasi isku darsadaan wuxuu yahay) fahmid la’aanta ka haysatay waxa wax kulmiya iyo waxa wax kala saara (garasho la’aantaasi ayaa ugu wacan).

13. (Mas’alada 13aad uu Rasuulka ﷺ ku khilaafay jaahiliyada waxay ahayd) ku talax tagidda ay culimada wanwanaagsan ay ku talax tageen, sida qawlkii Allaah ku xusan:

“Kitaabka dadkiisiyoow ha ku talax tegina (ha ku xad gudbina) diinkiina, hana ka dhihina Allaah waxaan xaq ahayn.”

14. Wixii soo hor maray oo dhan waxay ku dul dhisan yihiin qaacido ah nafyi (diidmo) iyo ithbaat (sugid), ayagana waxay raacayaan hawo iyo malo waxayna ka jeesanayaan waxay Rususha la imaadeen.

15. Ka cudur daarashadoodii ay ka cudur daarteen wuxuu Allaah u keenay ayna ugu cudur daarteen fahmid la’aan, sida hadalkoodii ay dhaheen:

“Quluubteena way xiran tahay,”

“Shucaybow wax badan ma ka fahmeyno waxaad leedahay.”

Allaah been ayuu ku sheegay warkooda wuxuuna cadeeyey in sababka arinkaasi uu yahay daboolid uu Allaah daboolay quluubtooda, daboolidaasina ay tahay sababta gaalnimadooda.

16. Mas’alada 16aad waa ku badelashadoodii ay ku badeshteen wuxuu Allaah siiyay kutubta sixirka, siduu Allaah ku sheegay arinkaas qawlkiisa dhexdiisa:

“Markuu u yimid Rasuul laga soo diray Allaah agtiisa, [Rasuulkaasoo] rumaysan waxa agtooda yaala [Tawreed], ayaa koox ka mid ah kuwa Kitaabka la siiyay waxay ka tuureen kitaabkii Allaah dhabaradooda gadaashooda sidii ayagoonba aqoonin, waxay raaceen [gaaladii Yahuudda] waxay shayaadiintii ku aqrinayeen [ka sheegeen] Boqortooyadii Sulaymaan (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), mana gaaloobin Sulaymaan hase yeeshee shayaadiintii ayaa waxay ku gaaloobeen oo waxay barayeen dadka sixirka.”

17. Mas’alada 17aad waa u tiirin ay baadilkooda u tiiriyaan anbiyada, siduu Allaah qawlkiisa inoogu sheegay asigoo u jawaabaayo gaaladii Yahuudda ee sixirkooda u nisbeeyeen Nabi Sulaymaan. Allaah wuxuu yiri:

“(Nabi) Sulaymaan ma gaaloobin,”

iyo qawlkii Allaah,

“Ma ahaanin [Nabi] Ibraahiim Yahuudi iyo Nasraani.”

18. Is buruntooda waxa ay u nisbo sheeganayaan, oo waxay u nisbo sheeganayaan (Nabi) Ibraahiim (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) ayagoo muujisanaayaan raacidiisa ka tegideeda (inay raacaan Nabi Ibraahiim (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) ayay ka tageen weliba ayagoo u nisba sheeganayaan Nabi Ibraahiim nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee).

19. Mas’alada 19aad: ceebeentooda saalixiinta qaarkooda ay ku ceebeeyaan ficil ay sameenayaan dadkii saalixiinta u nisbo sheegtay qaarkood, sida ceebeentii Yahuudda ee Nebi Ciise (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), iyo ceebeenta Yahuudda iyo Nasaarada ee Nebi Muxamed ﷺ.

20. Mas’alada 20aad waxay tahay rumayntooda waxyaabaha caadada ka baxsan (caqliga ku adag ee dadka ka yaabiya) ee saaxiriinta sameeyaan ay rumeeyaan iyo kuwa saaxiriinta la midka ah oo ay u rumeeyaan inay ka mid tahay karaamaatka saalixiinta, iyo u nisbeentiisa waxaasi (u tiiriyaan waxaasi saxarada ay sameenayaan) anbiyada sida u nisbeentooda Nabi Sulaymaan nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

21. Mas’alada 21aad waxay tahay ku cibaadaysigooda ay ku cibaadaystaan foorida iyo sacba tumida (sacbis).

22. Mas’alada 22aad waxay tahay inay diinkooda ka dhigteen wax lagu daaho iyo dheel dheel (maad iyo madadaalo).

23. Mas’alada 23aad waxay tahay in nolosha aduunyada ay kedisay (ay dagtay), oo waxay u maleeyeen aduunyada Allaah siiyey inay tusinayso raali ahaanshiyaha Allaah sida hadalkoodii uu Allaah inoo sheegay:

“waxaan nahnay kuwo dad iyo duunyo badan leh, mana nihin kuwo la cadaabaayo.”

24. Mas’alada 24aad waxay tahay ka tegid Xaqa gelidiisa ay ka tagaan marba hadii ay kaga hor maraan Xaqa kuwa ducafada ah isla wayni iyo santaagid darteeda, Allaah Koreeyee wuxuu soo dejiyey:

“Ha eryin (ha burinin) kuwa baryaayo (caabudaayo) Rabigooda.”

25. Mas’alada 25aad waxay tahay daliilsasho ay Xaqa in ay baadil ku sheegaan u daliishtaan ku hor marida ducafada (dadka taagta daran) ku hor mareen xaqa gelidiisa, siduu Allaah qowlkiisa noogu sheegay:

“Hadduu khayr ahaan lahaa noogama hor mareen (ducafada ayay dhaheen).”

26. Mas’alada 26aad waxay tahay bedelida ay Kitaabka Allaah bedeleen markay ogaadeen ka dib ayagoo og.

27. Mas’alada 27aad waxay tahay qorid ay kutubo baadil ah qoraan ayagoo u tiirinaayaan Allaah xagiisa, siduu Allaah yiri:

“Waxaa halaag u sugnaaday kuwa ku qoraayaan kitaabka gacmahooda ka dibna dhahaayaan kani (kitaabkaani) xag Alle ayuu ka ahaaday (ka yimid).”

28. Mas’alada 28aad waxay tahay inaysan ayaga (jaahiliyada) aysan aqbalaynin Xaqa aan ka ahayn midka kooxdooda haysato, siduu Allaah yiri:

“Waxay dheheen waxaan rumeeneenaa waxa nalagu soo dul dejiyay.”

29. Ayagoo sidaasi ah ma oga oo ma yaqaaniin waxa ay dhaheeso (ay qabaan) kooxdooda, siduu Allaah Koreeye ku baraarujiyay qawlkiisa:

“Waxaad dhahdaa (Nebiyow) maxaad u dilayseen anbiyadii Allaah hadda ka hor haddii aad tihiin mu’miniin.”

30. Mas’alada 30aad waxay tahay waxay ka mid tahay cajaa’ibta aayaatka Allaah, jaahiliyada markay ka tageen dardaarankii Allaah uu kula dardaarmay midoobida (in la midoobo), waxayna koreen (waxayna la yimaadeen) wuxuu Allaah ka reebay oo ah kala tagid, koox weliba wuxuu noqday kuwo waxay haystaan ku faraxsan.

31. Mas’alada 31aad waxay tahay sidoo kale waxay ka mid tahay aayaatka ugu cajaa’ibta badan, (taa soo ah) la colaytanka ay Diinka ay u nasab sheegtaan la colaytameen la colaytanka ugu xeel dheer, iyo jacaylkooda ay jeclaadeen diinka gaaladii la colaytantay ayaga lana colaytantay Nabigooda iyo kooxdooda (oo ay jeclaadeen) jeclaanta mida u xeel dheer, sidii ay ku sameeyeen Nabiga ﷺ markii uu ula yimid Diintii Muuse nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxayna raaceen kutubtii saaxiriinta, oo ahayd diintii reer-Fircoon.

32. Mas’alada 32aad waxay tahay ku gaaloobidooda Xaqa ay ku gaaloobaan marka uu xaqa maro cid aysan jeclayn dhiniciisa, sida Allaah asigoo nooga waramaayo yiri:

“Yahuud waxay tiri ma ahaanin Nasaarada waxba (oo wax xaq ah maku taagno), Nasaarana waxay tiri Yahuuda ma ahaanin shay korkiisa (wax xaq ah ma haystaan).”

33. Mas’alada 33aad waxay tahay inkiridooda ay inkireen wixii ay qireen inuu diinkooda ka mid yahay, siday sameeyeen xajinta Baytka, wuxuu yiri Allaah Koreeye:

“Yaa nacaya Diinkii Ibraahiim aan ka ahayn qof doqomooway nafsadiisa.”

34. Mas’alada 34aad waxay tahay in koox kasta ay sheegato inay tahay kooxda badbaadaysa, Allaah wuu ku beeniyay qowlkiisa:

“La imaada xujooyinkiina hadaad tihiin kuwo run sheegaayo,”

wuxuuna ku cadeeyey Allaah sida sawaabka ku jirto (oo lagu noqon karo Firqatu an-Naajiyah) qawlkiisa:

“Waxay sheeganayaan iskaba daayee ruuxii u hogaamiya wejigiisa Allaah isagoo sama fala ah.”

35. Mas’alada 35aad waxay tahay ku cibaadaysiga ay ku cibaadaysanayaan cawrooyinka oo faydan siduu Allaah qawlkiisa ku sheegay:

“Markay sameeyaan faaxisho (cawradooda ay faytaan) waxay dhahayaan waxaan ka helnay (oon ka soo gaarnay) aabayaasheena Allaahna wuu na amray inaan saas sameeno (waa siday ku been abuurteene).”

36. Mas’alada 36aad waxay tahay ku cibaadaysiga ay ku cibaadaystaan xarimid la xarimo xalaasha, siday ugu cibaadaysteen shirkiga.

37. Mas’alada 37aad waxay tahay ku cibaadaysiga ay ku cibaadaystaan ka yeelasho ay rabiyaalo ka yeeshtaan axbaarta (culimada) iyo ruhbaanta (cubbaada) Allaah sukadiisa.

38. Mas’alada 38aad waxay tahay leexinta la leexiyo tilmaamaha (Allaah isku sifeeyey), siduu Allaah yiri:

“Balse waxaad maleeseen in Allaah uusan ogayn wax badan oo aad samaynaysaan (cilmi la’aanta ay Allaah ku maleeyeen ayaa ah sifo ay leexiyeen oo Allaah leeyahay ilayn cilmiga waa sifo min sifaatillaah).”

39. Mas’alada 39aad waxay tahay leexinta ay leexiyeen magacyada Allaah siduu Allaah qawlkiisa ku yiri:

“Waxay ku kufrinayaan ar-Raxmaan.”

40. Mas’alada 40aad waxay tahay dafiraad (ay qaarkooda koonkaan ka dafiraan Rabigii abuurtay, iska yeel yeelid darteeda) reer-Fircoon warkooda oo kale.

41. Mas’alada 40aad waxay tahay tiirinta waxyaabo nuqsaan ah ay u tiirinayaan Allaah xumaan oo dhanna nazahnaayee, sida (inuu dhalay) ilmo iyo baahi (inuu wax u baahan yahay) iyo daalid (inuu Allaah daalo), iyadoo ay arimahaani qaarkooda (waxyaabaha ay Allaah u tiirinayaan) ay ka nazahayaan (u diidayaan) culimadooda (baadariyaashooda sida inuusan guursanin waxna dhalin, iyadoo ay arintaana ku sheegaan inuu Allaah guursaday cunugna dhalay subxaanahuu wa tacaalaa waxay ku tilmaamayaan).

42. Mas’alada 42aad: Wadaajin ay Mulkiga Allaah kula wadaajiyaan cid kale, sida Majuusta hadalkooda oo kale.

43. Mas’alada 43aad waxay tahay Qadarka oo la diido (la inkiro).

44. Mas,alada 44aad waxay tahay Allaah oo loo xujeesto Qadarka (sida inay xumaan sameeyaan sida shirkiga iyo wixi la mid ah ka dibna dhahaan Allaah ayaa qadaray).

45. Mas’alada 45aad waxay tahay Sharciga Allaah oo looga hor yimaado Allaah Qadartiisa (sida inay dhahaan hanuunka Allaah nooma qorin oo maxay ka ogyihiin mustaqbalkooda siduu noqon doono inuu Allaah hanuun u qoray iyo inuusan u qorin).

46. Mas’alada 46aad waxay tahay samanka oo la caayo, sida hadalkooda ay yiraahdeen Allaahna noo sheegay:

“Nama halaagaayo waxaan waqtiga ahayn.”

47. Mas’alada 47aad waxay tahay nicmooyinka Allaah oo loo tiiriyo cidaan Allaah ahayn, sida qawlkii Allaah ka sugnaaday:

“Nicmada Allaah ayay garanayaan (inay xaga Allaah ka timid) ka dibna way inkirayaan.”

48. Mas’alada 48aad waxay tahay ku gaaloobid aayaatka Allaah oo lagu gaaloobo.

49. Diidid ay aayaatka Allaah qaarkooda diidaan.

50. Waa hadalkooda ay dhaheen:

“Allaah waxba kuma soo dejinin dadka (waxay inkirayaan risaalada xaga Allaah ka timid).”

51. Waa hadalkooda ay Qur’aanka ka sheegeen oo waxay dhaheen:

“Qur’aankaani ma ahaanin hadal qof yiri mooyee.”

52. Ceebeen la ceebeeyo (oo xumaan lagu sheego ama ula jeedo la’aan lagu tilmaamo) Xikmada Allaah Koreeye.

53. Sameen la sameeyo xeelado muuqdo iyo kuwo qarsan si ay isaga riixaan (isaga celiyaan) wixii ay Rususha la timid, siduu Allaah Koreeye inoo sheegay:

“Way shirqooleen (Xaqii) ayagana Allaah ayaa makray (oo dabankii ay Xaqa u dhiga islahaayeen ayuu Allaah ayaga ku riday),”

iyo qawlkii Allaah:

“Waxay tiri koox ka mid ah kuwa Kitaabka la siiyay rumeeya waxa lagu soo dul dejiyay mu’miniinta maalinka gelinkiisa hore kuna gaalooba maalinka gelinkiisa dambe (si ay u kala fur furaan Muslimiinta shaki iyo shubuhna u geliyaan ayay sidaasi u yeelayaan).”

54. Qirid ay qirayaan Xaqa si ay u gaaraan siday isaga reebi lahaayeen Xaqa siduu Allaah ku yiri aayadda.

55. Tacasubid mad-hab loo tacasubo, sida qawlkii Allaah Koreeyey:

“Ha rumeesanina qof diinkiina raacay mooyee.”

56. Islaamka raacistiisa oo lagu sheego shirki, siduu Allaah Koreeye ku sheegay qawlkiisa:

“Uma ahaanin bashar inuu Allaah siiyo kitaab iyo xukun iyo Nabinimo ka dibna dadka ku yiraahda ii noqda adoomo Allaah sukadiisa.”

57. Kelimada oo laga bedelo booskeedii (macno ahaan ha loo bedelo ama lafdi ahaan).

58. Carabka oo lagu laabo (lagu leexiyo) Kitaabka.

59. Dadka hanuunsan oo lagu naanayso (loogu magac daro) Saabi’nimo iyo Khashwanimo (waa magacyo dad hore tusaale ahaan ayuu Sheekha u soo qaatay ee magacba magac ka xun ayaa dadka wanaagsani ay ku tilmaamaan).

60. Been abuurasho Allaah lagu been abuurto.

61. Beenin ay Xaqa beeninayaan.

62. Ahaanshiyahooda ay yihiin markii looga adkaado xujada (daliilka Qur’aanka iyo axaadiithta) ay u argagaxaan (u fakadaan, u cararaan) boqorada (madaxda maamulada) xagooda, siday dheheen:

“(Fircoonoow) ma waxaad u daynaysaa Muuse iyo dadkuu wato inay fasahaadiyaan dhulka).”

63. Mas’alada 63aad waxay tahay ku tuuristooda ay dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan fasahaadinta arlada sida ku jirtay aayaddii la soo dhaafay.

64. Mas’alada 64aad waxay tahay ku tuuristooda ay dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan diinka boqorka inay wax u dhimayaan, siduu Allaah u yiri asigoo noo soo gudbinaayo hadalkii ay yiraahdeen reer-Fircoon:

“(Fircoonoow) Muuse wuxuu rabaa inuu kaa tago adiga iyo ilaahaagaba (cibaadadaadaba ka tago),”

iyo siduu Allaah u yiri asigoo noo soo gudbinaayo hadalkii Fircoon:

“Waxaan ka cabsanayaa inuu (Muuse) bedelo diinkiina (waa caabudidda ay asiga caabudayaan).”

65. Mas’alada 65aad waxay tahay ku tuuristooda ay dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan in aalihada (baadilka ah) ee boqorlka hoos u dhimaayaan sida aayaadda ku jirtay.

66. Mas’alada 66aad waxay tahay ku tuuristooda ay dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan (inay la yimaadeen) diin bedelis (dhaqan rogid ama dhaqan rogis), siduu Allaah noo sheegay asigoo inooga waramaayo hadalkii Fircoon:

“Waxaan ka baqayaa inuu bedelo (Muuse) diinkiina ama inuu dhulka fasaad ka muujiyo.”

67. Mas’alada 66aad waxay tahay ku tuuristooda ay dadka Ahlu Xaqa ah ay dusha u saaraan inay hoos u dhigayaan boqorka (ay sumcada xukunkiisa hoos u dhigayaan), siduu hadalkoodiiba ahaa:

“(Fircoonoow) Muuse wuxuu rabaa inuu kaa tago adiga iyo ilaahaagaba (cibaadadaadaba ka tago).”

68. Mas’alada 68aad waxay tahay sheegashadooda ay sheegtaan inay ku camal falaan Xaqa ay haystaan, sida hadalkoodii:

“Waxaan rumeenaynaa wixii nalagu soo dejiyay,”

ayagoo ka tagaayaan (oo aan waxba ku camal falaynin ayay sheeganayaan inay ku camal falayaan).

69. Mas’alada 69aad waxay tahay kordhin ay cibaadada kordhiyaan, sida samayntooda maalinka Caashuuraa.

70. Mas’alada 70aad waxay tahay naaqisintooda ay cibaadada naaqisiyaan, sida ka tegidooda ay ka tagaan istaagidda Carafaat.

71. Ka tegiddooda ay waajibka uga tagaan xalaal miiridnimo darteeda (waa marmarsiyo aanan jirin).

72. Ku cibaadaysigooda ay ku cibaadaystaan inay ka tagaan rizqiga kiisa wanaagsan.

73. Ku cibaadaysigooda ay ku cibaadaystaan inay ka tagaan quruxda (ziinada) Allaah.

74. Ugu yeeristooda ay dadka ugu yeeraan baadi cilmi la’aan.

75. Ugu yeeristooda ay dadka ugu yeeraan gaalnimo ayagoo og (oo cilmi u leh inay gaalnimo ugu yeerayaan dadka).

76. Dhagartii waynayd, sida ficilkii reer-Nuux.

77. In hor joogayaashooda ay yihiin caalim faajir ah iyo caabid (qof cibaado badan) jaahil ah, sida ku jirtay qawlkii Allaah:

“Koox ayaga ka mid ah ayaa waxay maqlayeen Kalaamkii Allaah ka dibna way badelayaan markay garteen ka dib ayagoo og, markay la kulmaan mu’miinta waxay dhahayaan waan rumeenay markay isku keliyoobaana waxay dhahayaan ma waxaad u sheegaysaan mu’miniinta wuxuu Allaah idin furay si ay idin kula doodaan Rabigiina agtiisa miyaydaan wax garanaynin miyaysan ogayn in Allaah uu ogyahay waxay qarsanayaan iyo waxay muujisanayaan waxaa ka mid ah ummiyiin (kuwo aanan waxba qorin waxna aqrinin) oo aanan ka garanaynin Kitaabka yididiilo mooyee waxaan malo ahayna kuma socdaan.”

78. Sheegashadooda ay sheegtaan inay yihiin awliyada Allaah dadka sukadooda (awliyanimada inay dadka kale uga sukeeyaan ayay sheegtaan).

79. Sheegashadooda ay sheegtaan inay jacaylka Allaah weliba ayagoo ka tagayaan Sharciga Allaah, Allaah wuxuu qawlkiisa uga dalbaday:

“Waxaad ku tiraahdaa (Nebi Muxammedow) hadii aad Allaah jeceshihiin aniga i soo raaca Allaahna wuu idin jeclaanayaayee.”

80. Yididiilayntooda yididiilada beenta ah (rajo beenaad dhalanteed ah ay ku jiraan), sida hadalkoodii ahaa:

“Naar na taaban mayso maalmo kooban mooyaanee,”

iyo hadalkoodii:

“Janno ma galaayo qof aan Yahuud ama Nasaaro ahayn.”

81. Ka yeelashada ay qabriyada Nabiyadooda iyo saalixiintooda ay ka yeesheen masaajido.

82. Ka yeelashada ay ka yeeshteen raadadkii anbiyadooda masaajido sida laga sheegay Cumar.

83. Faynuusyo ama nalal laga yeesho qabriyada dushooda.

84. Qabuuraha oo laga dhigto ciido (kulamo joogto ah).

85. Gawraca qabuuraha agtiisa wax lagu gawraco.

86. Barakaysashada raadadka dadka la wayneeyo, sida Daaru-Nadwaa, iyo faanid uu faano qofka ay gacantiisa ku jirto arinkaasi, sidii lagu yiri Xakiim binu Xazaak: “Ma waxaad iibisay maamuuskii Quraysh?” Wuxuu yiri: “Way tagtay waxyaabihii la isku maamuusi jiray Alle-ka-cabsigii mooyaanee.”

87. Nasabkoo lagu faano.

88. Nasabka (dadka) oo la duro.

89. In lagu roob dalbo xidiga.

90. Baroorta (tacsiyada).

91. Fadaa’ishooda (waxyaabaha ay dadka kale kaga duwan yihiin) kan ugu wayn waa xad gudub, Allaahna wuxuu ka sheegay arinkaasi wuxuu ka sheegay.

92. Fadaa’ishooda kan ugu wayn wuxuu ahaa nasab ku faanida, Xaqba ha ahaado, waa laga reebay.

93. Qofka oo ugu tacasubaayo kooxdiisa gar iyo gardaro waa arin agtooda laazim ka ah Allaahna wuxuu ka sheegay arinkaasi wuxuu ka sheegay.

94. In diintooda (dhaqankooda) ay ka mid tahay qofka oo loo qabsado dambi uu galay qof kale, Allaah wuxuu soo dejiyay:

“Nafna naf kale dambigeeda ma qaado.”

95. Qofkoo lagu ceebeeyo wax qof kale ku sugan wuxuu yiri Rasuulka ﷺ:

“Ma hooyadiisa ayaad ku ceebeesay (ceeb uga dhigtay)? Waxaad tahay qof ay ku dhex sugan tahay jaahiliyad.” Waxaa soo saaray Bukhaari iyo Muslim.

96. Ku faanid lagu faano wilaayada (maamulidda) Baytka (Kacbada), Allaah wuu ku ceebeeyey arinkaasi qawlkiisa:

“Adinkoo isku kibrinaayo (isku weeneenaayo) Kacbada adinkoo cawa baashaalaayo (Qur’aanka aad maad iyo madadaalo ka dhiganaysaan) adinkoo hadal xun.”

97. Ku faanid ay ku faanayaan ahaanshiyahooda ay yihiin awlaaddii Anbiyada, Allaahna wuxuu la yimid qawlkiisa:

“Taasina waa ummad tagtay, waxayna mudatay waxay kasbatay, adinkuna waxaad mudanaysaan waxaad kasbateen.”

98. Faanida ay ku faanaan farsamooyinka, sida kuwa labada safar (mushrikiinta Carab) ay ugu faaneen kuwa beeraleyda.

99. Waynida ay adduunyada ay ku wayn tahay quluubtooda, sida hadalkoodii ahaa:

“Waxay dhaheen gaaladii maxaa loogu soo dejin waayey Qur’aankaan nin degan mid ka mid ah labada magaalo oo wayn.”

100. Xukumid Allaah la xukumo sida ku xusan aayaddii aan soo dhaafnay.

101. Faqiiriintoo la xaqiro, wuxuu ula yimid Nabiga ﷺ qawlkii Allaah:

“Ha eryin (ha burinin) kuwa caabuda Rabigooda aroortii iyo galabkiiba.”

102. Tuuristooda ay ku tuuraan kuwa raacay Rususha inaysan lahayn Ikhlaas (dar Allaah), iyo adduunyo raadis, Allaah wuxuu ugu jawaabay kuwaasi qawlkiisa:

“Kuma saarna xisaabtooda waxba,”

aayada iyo wixii la mid ah.

103. Malaa’igta oo lagu gaaloobo.

104. Rususha oo lagu gaaloobo.

105. Kutubta oo lagu gaaloobo.

106. Ka jeesasho laga jeesto wixii ka yimid xaga Allaah.

107. Maalinta Aakhiro oo lagu gaaloobo.

108. Beenin la beeniyo la-kulanka Allaah.

109. Beenin la beeniyo qaar ka mid ah wixii ay Rususha ka sheegtay Maalinta Aakhiro, sida ku xusan qawlka Allaah:

“Kuwaasi waa kuwa ku gaaloobay aayaatka Rabigooda iyo la-kulankiisa,”

waxaa ka mid ah beeninta qawlka Allaah ee ah:

“Boqorka maalinta abaal-marinta,”

iyo qawlka Allaah:

“(Maalinta Qiyaamaha) oo aan jirin gadasho iyo saaxiibtinimo iyo shafeeco (midna),”

iyo qawlkii Allaah:

“Cid ka marqaati kacday mooyaanee ayagoo cilmi u leh.”

110. Dilid la dilo dadka kuwooda caddaaladda faro.

111. Rumayn la rumeeyo sixirka iyo Shaydaanka.

112. Diinta gaalada oo laga fiicnaysiiyo Diinta Muslimiinta.

113. Xaqoo la dhex geliyo baadilka.

114. Xaqoo la qariyo weliba iyadoo cilmi loo leeyahay (oo la og yahay waxaan la qarinaayo inay xaq yihiin).

115. Qaacidada baadida oo ah in Allaah wax laga sheego cilmi la’aan (sida in la dhaho Allaah ayaa dhahay, wax uusan Allaah dhihin).

116. Isburinta iska cad markay Xaqa beeniyeen, siduu Allaah Koreeye u yiri:

“Bal waxay beeniyeen Xaqii markuu u yimid waxayna ku dhex sugan yihiin arin is dhex yaacsan.”

117. In la rumeeyo Kutubka la soo dejiyey qaarkooda qaarna aanan la rumeenin.

118. Dooddooda ay ku doodaan waxaysan cilmi u lahayn.

119. Rususha oo la kala saaro.

120. Sheegashadooda ay sheegtaan inay raacsan yihiin salafkii suubbanaa weliba ayagoo cadeenaayaan inay dhinac marsan yihiin salafkii.

121. Ka reebitaankooda ay dadka ka reebaan waddadii Allaah ciddii Allaah rumeesay.

122. Jacaylkooda ay u qabaan gaalnimo iyo gaalo.

123. Shimbirka oo la kiciyo.

124. Faalka.

125. Baaseesiga.

126. Kitaab gaablownimada.

127. Daaquutka oo loo xukun tago (wax kasta oo Allaah ka soo haray oo loo xukun tago).

128. Iyo necbaysasho la necbaysto in la guursado labada ciidood inta u  dhexaysa.

Allaah ayaana ogaan badan, nabadgalyo iyo naxariis amaan Nabi Muxammed dushiisa iyo ahalkiisa iyo asxaabtiisa ha ahaato.

Walaalahayga aan Islaamka ku walaalawnayow kitaabkii Masaa’ilul Jaahiliyah meeshaani ayuu noogu dhammaaday, wixii aan haleelay sax iyo wanaag ah Allaah ayaa ii sakhiray, wixii aan dhinac maray oo aan khaldayna waxay ka timid nafsaddayda gaabiska badan, camal kasta oo Rabbi raalli ka yahay oo aan samaynaynana mid aan Allaah ridahiisa ku dalbeenno Allaah nooga dhigo, intaasi ka dib wixii aan barannay ku camal falkooda ayaa ina hor yaalo hadda iyo wixii ka dambeeyo iyo inayno dadka gaarsiinno wixii aan barannay iyo inaynu ku sabarno wixii caqabado ah oo aynu kala kulano arrinkaasi.

Waa walaalkiina aad Diinta ku walaalawdeen Muxammed Aadam Ibraahim oo idinka dalbanaayo inaad Allaah uga baridaan asiga iyo ahalkiisa inuu waafajiyo adduun iyo Aakhiro wuxuu Allaah raali ka yahay ayagana ay raalli ka yihiin.

Wixii su’aal, sixid ama suluugmo ah oo ku saabsan kitaabkan fadlan ku soo hagaaji iimeylkan: shaakir123@hotmail.com

والله أعلم، وصلى الله على محمد وآله وصحبه وسلم

Saddexda Asal iyo Daliilahooda

بسم الله الرحمن الرحيم

Ogow Alle hakuu naxariistee in ay korkeenna ku waajibayso in aan baranno afar arrimood:

  1. Cilmiga, oo ah barashada Alle, barashada Nabigiisa, iyo barashada diinta Islaamka iyo adiladeeda.
  2. Cilmigaas aan barannay in aan ku camal falno.
  3. Iyo in aad dadka ugu yeerto.
  4. Iyo in lagu sabro dhibka kaa soo gaaraya.

waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة العصر]

oo uu macnihiisu yahay: {waxaan ku bilaabayaa magaca Alle, Allihii naxariista guud iyo gaar ahba naxariista, Casarka ayaan ku dhaartay, dadkii qasaaro ayay ku jiraan, kuwii Alle rumeeyay mooyee, oo haddana camal wanaagsan sameeyay, xaqana isku dardaarmay, sabarkana isku dardaarmay}.

Imaam Shaafici wuxuu yiri: haddii uusan Alle ku soo dejin lahayn khalqigiisa xujo aan suuraddan ahayn way ku fillaan lahayd. Bukhaari wuxuu yiri: (kan wuxuu u baab yahay in Cilmigu ka horreeyo hadalka iyo samaynta camalka), waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة محمد]

oo uu macnahiisu yahay: {ogow in Alle xaq lagu caabudo uusan jirin Alle maahee, dambi dhaafna waydiiso}. Wuxuu Alle ku billaabay aayadda cilmiga, hadalka iyo camalka kahor.

Ogow Alle ha kuu naxariistee in nin kasta iyo haweeney kasta oo muslin ah ay waajib ku tahay in ay saddex arrimood bartaan, kuna camal-falaan saddexdaas arrimood waa:

  1. Alle in uu na abuuray, oo uu na arsuqay, uussana Alle sidaas nooga tagin ee wuxuu noo soo diray Rasuul, qofkii aan raacin Rasuulkaas naarta ayuu galayaa, waxaana taas daliil u ah hadalka Alle:

[سورة المزمل]

oo uu macnahiisu yahay: {waxaan idiin soo dirnay Rasuul idinku marqaati furaayo sidii aan ugu soo dirnay Fircoon Rasuul, Fircoon wuu caasiyay Rasuulkii, waana qabannay Fircoon qabasho adag oo aad u daran}.

  1. Alle raalli kama aha in qof  kale lala caabudo, ha noqdo qofkaas lala caabudayo malak dhaw ama nabi la soo diray, waxaana daliil u ah hadalka Alle:-

[سورة الجن]

oo uu macnahiisu yahay: {Masaajidda Alle ayaa iska leh ee Alle la jirkiisa wax kale ha ku caabudina}.

  1. Qofkii rasuulka raaca, Allana kali yeela uma bannaana in uu xiriiriyo qof Alle iyo rasuulkiisa gooyay oo la dagaalamay, haddii uu rabo qofkaas ha ahaado qofka kuugu dhaw qaraabo ahaan. Waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة المجادلة]

oo uu macnahiisu yahay: {ma helaysid dad rumeeyay Alle iyo maalinta qiyaamaha haddana jecel Qof Alle iyo rasuulkiisa gooyay, haba ahaadaan kuwaas Alle iyo rasuulkiisa gooyay aabbayaalkooda ama carruurtooda ama walaalahooda ama qaraabadooda, kuwaas aan jeclaanaynin dadka Alle gooyay wuxuu Alle ku qorey qalbiyaalkooda Iimaan, Allana wuxuu ku xoojiyay xujo, nuur iyo hanuun oo iimaanka xaggiisa ka timid, Alle wuxuu galiyaa kuwaas jannooyin ay hoostooda dareeraayaan wabiyaal, ayaga oo ku waaraya jannooyinkaas, kuwaas Alle waa ka raalli noqday, ayagana way ka raalli noqdeen Rabbigood, kuwaasi waa xisbiga Alle, Xisbiga Alle asaga ayuun baa liibaanaaya}.

Ogow Alle ha kugu hanuuniyo daacadiisee “cibaadadiisa” Diinta Xaniifiyada nabi Ibraahiim waa in aad Alle kaligii caabuddo, adigoo diinta u kali yeelaya oo aan wax kale la wadaajinaynin, sidaas ayaana Alle faray dadka oo dhan una abuuray sida uu Alle yir:

[سورة الذاريات]

oo uu macnaheedu yahay: {uma aannan abuurin Jinniga iyo Insaanka inay i caabudaan mooyee}, macnaha i caabudaan waa i kali yeelaan. Waxa ugu wayn ee uu Alle faray waa Towxiidka, waana in Alle loo kali yeelo cibaadadiisa, waxa ugu wayn ee uu Alle reebayna waa Shirkiga waana in aad Alle “cibaadadiisa” wax la wadaajiso, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة النساء]

oo uu macnahiisu yahay: {Alle caabuda waxna hala wadaajinnina}.

Haddii lagugu yiraahdo maxay tahay saddaxda asal ee waajibka ku ah in uu Insaanku barto? Waxaa tiraahdaa: waa in uu barto Rabigiisa, Diintiisa, iyo Nabigiisa Maxamed r.

Haddii lagugu yiraahddo ka aad caabuddaa waa kuma? Waxaad tiraahdaa waa Rabbigayga rabbigaasoo aniga igu barbaariyay, kuna barbaariyay dadka oo dhan nicmadiisa, waana Allihii aan caabudayay, iimana sugnaan Alle aan asaga ahayn, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة الفاتحة]

oo uu macnahiisu yahay {waxaa mahad oo dhan ay u sugnaatay Alle, Allahaasoo makhluuqaadka Rabbigooda ah}, wax kasta oo Alle ka soo hara oo dhan waa caalam, anigana caalamkaas ayaan qeyb ka ahay.

Haddii lagugu yiraahdo: maxaad Rabbigaaga ku garatay? Waxaad tiraahdaa: waxaan ku gartay calaamooyinkiisa iyo makhluuqaadkiisa, calaamadaha tusinayana waxaa ka mid ah: habeenka, maalinta, qorraxda iyo dayaxa, makhluuqaadkiisana waxaa ka mid ah: toddobada cir iyo toddobada dhul iyo waxa ku dhex jira iyo inta u dhaxaysa, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة فصلت]

oo uu macnahiisu yahay: {Calaamadaha Alle waxaa ka mid ah habeenka, maalinta, qorraxda iyo dayaxa, ee ha u sujuudina  qoraxda iyo dayaxa ee u sujuuda Allihii ayaga abuuray, haddii aad tihiin kuwo Alle caabudaya} iyo hadalka Alle:

[سورة الأعراف]

oo uu macnahiisu yahay: {Rabbigiinna waa Allihii ku abuuray cirarka iyo dhulka lix maalmood gudahooda, kadibna carshiguu ka sara maray, wuxuu galiyaa habeenkii maalintii, habeenku wuxuu dalbayaa maalintii si degdeg ah, wuxuu kaloo abuuray qorraxdii dayaxii iyo xiddigihii ayadoo amarka Alle lagu fududeeyay, Alle waxaa u sugnaaday oo uu leeyahay abuuritaanka iyo amarka, Alle ayaa waynaaday oo makhluuqaadka oo dhan Rabigooda ahaa}.

Rabbiguna waa kii la caabudayay, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورةالبقرة]

oo uu macnahiisu yahay: {dadoow Rabbigiinna caabuda Allihii idin abuuray kuwii idinka horeeyayna abuuray, waxaad mudan tihiin inaad cabsataan. Allihii idinkaga dhigay dhulka gogol, cirkana ka yeelay dabool, kana soo dajiyay cirka biyo, biyahana ku soo dhaliyay miro qaarkood arsuqaad idinka la idin arsuqayo, ha u yeelinina Alle kuwo la siman adinkoo og}, Ibnu Kasiir wuxuu yiri: Abuuraha abuuray waxyaabaha la sheegay ayaa mudan cibaadada.

Noocyada cibaadada ee uu Alle amray sida Islaamka, Iimaanka iyo Ixsaanka, waxaa ka mid ah: Baryada, Cabsida, Rajaynta, Talosaarashada, Doonista, Cabsida, Khushuuca, Alle ka baqid, Alle u noqosho, Kaalmowaydiisasho, Magangalka, Gargaar waydiisashada, Gowraca, Nadarka iyo Cibaadooyinka kale ee uu Alle amray, dhammaantood Alle ayay u sugnaadeen oo iska leh, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة الجن]

oo uu macnahiisu yahay: {masaajidyada Alle ayaa iska leh ee ha la caabudina Alle qof kale}.  Qofkii u leexiya cibaadooyiinkaas qof aan Alle ahayn waa Mushrik gaal ah, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة المؤمنون ]

oo uu macnihiisu yahay   {qofkii la barya Alle macbuud kale oo uuna xujo u haysanin, qofkaas xisaabtiisa rabbigiisa xagiisa ayay ahaatay, gaaladuna ma liibaanto} xadiiska waxaa ku jiray:

(الدعاء مخ العبادة)

(ducadu waa dhuuxa cibaadada), waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة غافر]

oo uu macnahiisu yahay: {rabbiggiinna wuxuu yiri aniga  i barya aan idinka ajiibee, kuwa ducadeyda iska waynaysiiya waxay gali doonaan naarta jahanamo iyagoo dullaysan}, cabsida waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[آل عمران]

oo uu macnihiisu yahay  {haka cabsannina ee aniga iga cabsada haddii aad tihiin muuminiin}, Rajada waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة الكهف]

Oo uu macnahiisu yahay: {Qofkii rajaynaya inuu Allihiis la kulmo ha sameeyo camal fiican, yuusana la wadaajin cibaadada Alle qof kale}. Talosaarashada waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة المائدة]

oo uu macnihiisu yahay: {Alle talosaarta haddii aad tihiin muuminiin}, iyo hadalka Alle :

[سورة الطلاق 3]

oo uu micnihiisu yahay: {Qofkii Alle talosaarta asaga unbaa ku filan}. Doonista, Cabsida iyo khushuuca waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورةالأنبياء]

oo uu micnihiisu yahay : {waxay ahaayeen kuwo u degdega khayraadka oo na barya iyagoo rajaynaya cabsanayana waxayna ahaayeen kuwo noo khushuuca}. Alle ka cabsashada waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة البقرة 150]

oo uu micnihiisu yahay: {haka cabsannina ee aniga iga cabsada}.

Alle u noqoshada waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة الزمر 54]

oo uu manihiisu yahay:  {Allihiinna u noqda una hoggaansama}.

Kaalmo waydiisashada waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة الفاتحة]

oo uu macnihiisu yahay: {Allow adiga kali ah ayaan ku caabudaynaa adiga kaligaa ayaan kaalmo waydiisanaynaa}, xadiiska waxaa ku jiray :

(إذا استعنت فاستعن بالله )

(haddii aad kaalmo waydiisanaysid Alle kaalmo waydiiso).

Magangalka waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[ سورة الناس]

oo uu micnihiisu yahay {waxaad tiraahdaa waxaan magangalayaa rabbiga dadka, ee boqorka dadka ah}. Gargaarwaydiisashada waxaa daliil u ah hadalka Alle uu yiri:

[سورة الأنفال 9]

oo uu macnihiisu yahay: {xusuusta markaad gargaar waydiisanayseen Alle ee uu idinka ajiibay}.

Gowricidda waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورةالأنعام]

oo uu macnihiisu yahay: {waxaad tiraahdaa salaaddayada, gowracayga, noolayntayda iyo dhimashadeyda Alle ayaa iska leh, caalamka rabbigiisa ahaa, wax la wadaagana ma jiro, sidaasaana la i faray anigaana ugu horreeya muslimiinta}, sunnada xaggeedana waxaa daliil u ah :

( لعن الله من ذبح لغير الله )

{Alle ha lacnado qofka Alle waxaan ahayn wax u gowraca}.

Nadarkana waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة الإنسان]

oo macnaheedu yahay: {waxay oofiyaan nadarka waxayna ka cabsadaan maalin ay shartiisu faafayso}.

ASALKA LABAAD

Barashada diinta Islaamka oo daliillo lagu barto. Islaamka micnihiisuna waa in Alle la iskugu dhiibo kaliyayntiisa looguna hoggaansamo warkayeelid, lagana beri noqdo shirkiga iyo dadkiisa, waana saddex Darajood: Islaamka, Iimaanka iyo Ixsaanka, martabad kastana waxay leedahay tiirar.

Darajada Koowaad: Islaamka

Tiirarka Islaamka waa shan:

  1. Inaad rumeyso ku xaq lagu caabudo inuusan jirin Alle mooyee, Maxamedna r uu rasuulka Alle yahay.
  2. Salaadda inaad oogto ood tukato.
  3. Zakadiina aad bixiso.
  4. Bisha ramadaanna aad soonto.
  5. Xajkiina aad aaddo.

In aad qirto ku xaq lagu caabudo inuusan jirin Alle mooyee iyo inuu Maxamed r Rasuulka Alle   yahay, rumaynta Alle la rumeeyo waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة آل عمران]

oo uu macnihiisu yahay:   {Alle wuxuu qirayaa in ku xaq lagu caabudo uusan jirin Alle mooyee Malaa’ikta iyo dadka Cilmiga lehna way qirayaan, Alle asagoo cadaalad ku taagan, ku xaq lagu caabudo majiro Alle maahee, waana adkaade falsan} Aayadda macnaheedu waa wax xaq lagu caabudo majiro Alle mooyee.

“لا إله”: waxay reebaysaa oo ay diidaysaa wax kasta oo dhan oo Alle sokadiisa la caabudo.

“إلا الله”: waxay cibaadada u sugaysaa Alle oo kali ah, cibaadadiisa qof la wadaago ma jiro sida uusan u jirin qof la wadaago mulkigiisa, tafsiirka caddaynayana waa hadalka Alle:

[سورة الزخرف]

oo uu macnihiisu yahay:  {wakhti xusa uu nabi Ibraahiim ku yiri Aabbihiis iyo dadkiisa aniga bari baan ka ahay waxaad caabudaysaan, Allihii i abuuray mooyee wuuna i hanuuninayaa, wuxuuna ka dhigay kalimadii mid baaqi ku ah faraca Ibraahiim si ay xaqa ugu noqdaan} iyo hadalka Alle:

[سورة آل عمران]

oo uu macnihiisu yahay: {waxaad ku tiraahdaa kuwa kitaabka rumeeyay u imaada kalimad noo siman annaga iyo adinka oo ah in aannan caabudin Alle mooyee, aananna waxba la wadaajin, uusanna ka yeelan qaarkeen qaarka kale kuwo la caabudo Alle sokadiis, haddii ay jeestaan waxaad dhahdaan marqaati ka noqda in aan muslimiin nahay}.  Rumaynta Maxamed r inuu Rasuul Alle yahay waxaa daliil u ah hadalka alle:

[سورة التوبة]

oo uu macnihiisu yahay: {waxaa idiin yimid Rasuul idinka mid ah oo uu ku culus yahay waxa idin dhibaya kheyrkana idinkula dadaalaya una turis iyo naxariis badan muuminiinta}, macnaha rumaynta in Maxamed r rasuulkii Alle yahay waa in la yeelo oo la adeeco wuxuu faro, lana rumeeyo wuxuu sheego, lagana fogaado wuxuu reebay, iyo in aan Alle lagu caabudin wixii uu noo sharciyeeyay mooyee wax kale.

Salaadda iyo Zakada iyo macnaha Tooxiidka  waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة البينة]

oo uu macnihiisu yahay: {lama farin in ay Alle kali ah caabudaan mooyee iyagoo diinta u saafi yeelaya una iilanaya “rumaynta Rususha oo dhan”, salaaddana oogaan zakadana bixiyaan sidaas waa diinta toosan}.

Soonkiina waxaa u daliil ah hadalka Alle:

[سورة البقرة]

oo uu macnihiisu yahay: {kuwa Alle rumeeyow waxaa korkiinna lagu waajib yeelay soonka sida loogu waajib yeelay kuwii idinka horreeyay, waxaad mudan tihiin inaad cabsataan}.

Xajkana waxaa daliil u ah hadalka Alle :

[سورة آل عمران]

oo uu macnihiisu yahay: {Alle wuxuu dadka ku leeyahay inay Xajka aadaan qofkii awooda, qofkii diida Alle makhluuqaadka oo dhan wuu ka deeqtoon yahay}.

Darajada labaad: Iimaanka:

 waa dhowr iyo todobaatan qeybood, midda ugu sarreysa waa kalimada towxiidka “ku xaq lagu caabudo ma jiro Alle mooyee”, midda ugu hooseysana waa jidka oo dhibka laga qaado, xishoodkana waa qeyb ka mid ah Iimaanka.

Tiirarka Iimaanka.

Tiirarka Iimaankuna waa lix: waa inaad Alle rumeyso, iyo Malaa’iktiisa, kutubtiisa, rusushiisa, maalinta Qiyaamaha iyo qadarka khayrkiisa iyo shartiisa, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة البقرة 177]

oo uu macnihiisu yahay: {Samafalku ma ah in aad wajiyadiinna u jeedisaan dhinac qorrax ka soo baxa iyo qorrax u dhaca, laakiin samafalku waa qofkii rumeeya Alle iyo maalinta Qiyaamaha iyo Malaa’ikta iyo kitaabka iyo nabiyada}, Qadarka waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة القمر]

oo uu macnihiisu yahay: {wax kasta waxaan ku abuurnay qadar}.

Darajada Saddexaad:  Ixsaanka.

Ixsaanku waa hal rukni, waana in aad Alle u caabuddo sidi adigoo arkaya, haddii aadan arkaynin asaga ayaa ku arkaya, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة النحل]

oo uu macnihiisu yahay: {Alle wuxuu la jiraa kuwa ka cabsada iyo kuwa ixsaanka sameeya} iyo hadalka Alle:

[سورة الشعراء]

oo uu macnihiisu yahay: {talo saaro Allihii adkaada ee naxariista badan, Allihii ku arkaaya markii aad salaadda u istaagayso “oo aad kaligaa tukanayso” “arkaayana” gadgadoonkaaga aad dadka la tukanayso, Alle waa Alle maqal badan oo cilmi badan}, iyo hadalka Alle:

[سورة يونس 61]

oo uu macnihiisu yahay: {arrin muhiim ah kuma jirtid, qur’aankana quraan kama akhrisid, camalna ma samaysaan illaa waxaan nahay kuwo idin og markii aad si niyad ah u gudagalaysaan} sunnada xaggeedana waxaa daliil u ah xadiiska Jibriil ee aadka loo yaqaan

عن عمر بن الخطاب t قال: ( بينما نحن جلوس عند النبيّ r إذ طلع علينا رجل شديد بياض الثياب شديد سواد الشعر، لا يرى عليه أثر السفر ولا يعرفه منا أحد، فجلس إلى النبيّ r فأسند ركبتيه إلى ركبتيه، ووضع كفّيه على فخذيه وقال: يا محمّد أخبرني عن الإسلام، فقال: أن تشهد أن لا إله إلا الله وأن محمّداً رسول الله، وتقيم الصلاة وتؤتي الزكاة وتصوم رمضان وتحجّ البيت إن استطعت إليه سبيلاً، قال: صدقت. فعجبنا له يسأله ويصدّقه. قال: أخبرني عن الإيمان، قال: أن تؤمن بالله وملائكته وكتبه ورسله واليوم الآخر وبالقدر خيره وشرّه، قال: أخبرني عن الإحسان. قال: أن تعبد الله كأنك تراه، فإن لم تكن تراه فإنه يراك. قال: أخبرني عن الساعة، قال: ما المسؤول عنها بأعلم من السائل. قال: أخبرني عن أماراتها. قال: أن تلد الأمة ربّتها، وأن ترى الحفاة العراة العالة رِعاءَ الشَّاءِ يتطاولون في البنيان. قال: فمضى. فلبثنا ملياً فقال: يا عمر أتدرون من السائل؟ قلنا: الله ورسوله أعلم. قال: هذا جبريل أتاكم يعلمكم أمر دينكم )

oo uu macnihiisu yahay: (wakhti aan fadhinno Nabiga r agtiisa ayaa waxaa nagu soo baxay nin ay caddaanta dharkiisu daran tahay, madowga timihiisuna uu aad u daran yahay, oo aan safarka raadkiisu ka muuqan, uusanna aqoonnin qof annaga naga mid ah, Nabiga r ayuu u soo fadhiistay wuxuuna cuskiyay labdadiisa jilbood rasuulka jilbihiisa, wuxuuna saaray labadiisa calaacalood rasuulka labadiisa cajir, wuxuu yiri: Maxamadow iiga warran Islaamka wuxuu yiri Nabigu r: waa in aad qirto inuusan jirin ku xaq lagu caabudo Alle maahee, Maxamedna r uu rasuulka Alle yahay, salaadda aad tukato “toosiso” Zakada aad bixiso, bisha ramadaanna aad soonto, xajka aad aaddo haddii aad awooddo, wuxuu yiri: run baad sheegtay, waan la yaabnay waxbuu waydiinayaa haddana wuu rumeynayaa, wuxuu waydiiyay iiga warran Iimaanka, Nabiga r wuxuu yiri: waa in aad Alle rumeysaa, sidoo kale Malaa’iktiisa, kutubtiisa, rusushiisa, maalinta qiyaamaha, iyo qadarka kheyrkiisa iyo shartiisa, wuxuu yiri iiga warran Ixsaanka Nabiga r wuxuu yiri: in aad Alle u caabuddo sidi adigoo arkaya, haddii aadan arkaynin asaga ayaa ku arkaya, wuxuu yiri iiga warran saacadda, Nabiga r wuxuu yiri: qofka wax la waydiinayo saacadda kama oga qofka waydiinaya, wuxuu yiri iiga warran waxyaabaha lagu garto, Nabiga r wuxuu yiri: waa inay dhasho addoontu sayidkeeda iyo in aad aragto kuwii cagaha caddaa ee qaawanaa ee saboolka ahaa ee ari raaca ahaa oo saraha dhaardheer iskugu faanaya, Cumar wuxuu yiri ninkii wuu tagay, markii aan wax yar joognay ayaa

Nabiga r wuxuu yiri: Cumarow ma taqaannaan midkii wax waydiinayay? Waxaan dhahnay Alle iyo Rasuulkiisa ayaa yaqaan, Nabiga wuxuu yiri:   wuxuu ahaa Jibriil oo idinkugu yimid in uu diintiinna idin baro).

ASALKA SADDEXAAD

Waa barashada Nabigeenna Maxamed ah r , magaciisana waa Maxamed bin Cabdullaahi bin Cabdimudhalib bin Haashim, Haashimna ka ahaa Qureysh, Qureyshna Carab, Carabna ka ahaa owlaaddii Ismaaciil bin Ibraahiim Khaliil nabadgelyo iyo naxariis asaga iyo nabigeenna korkooda ha ahaato, da’diisana waxay ahayd lixdan iyo saddex sano, oo ay afartan sano ahayd nabinnimada ka hor, saddex iyo labaatan sanana uu ahaa Nabi iyo Rasuul, waxaa nabi looga dhigay suuradda Iqra’, waxaana rasuul looga dhigay suuradda Muddathir, magaaladiisu waa Makka. Waxa uu Alle u soo diray inuu shirkiga ka digo Towxiidkana ugu yeero, waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة المدثر]

oo uu macnihiisu yahay: {midkaan isdadaboolayow, istaag oo dig, rabbigaana waynee, dharkaagana daahiri, xumaantana ka fogow, hana ku mannaysan adigoo badsanaya, Allahaaga dartiisana u sabar}. Macnaha “قم فأنذر”  wuxuu ka digayaa shirkiga wuxuu u yeerayaa towxiidka , “وربك فكبر” kuwaynee towxiidka “وثيابك فطهر”, ka daahiri camalyaalkaaga shirkiga, “والرجز فاهجر”, Rijsigu waa sanamyada, ka fogaanshadeeduna waa in laga tago sanamyada, ahalkooda, lagana bari noqdo ayada iyo ahalkeedaba. Wuxuu nabiga r intaas dadka  ugu yeerayay toban sano, toban sano kadibna waxaa loo qaaday cirka, waxaana lagu soo waajibiyay salaadaha shanta ah, wuxuu Makka ku tukaday saddex sano, kadib waxaa la amray inuu u haajiro Madiina, Hijraduna waa tagid laga tago waddan gaalo lana aado waddan Muslim ah, hijraduna waajib ayay ku tahay ummaddan in ay ka tagaan waddan gaalo aadaanna waddan muslim, waana jirtaa ilaa qiyaamuhu ka dhaco, waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة النساء 97-99]

oo uu macnihiisu yahay: {kuway oofsatay malaa’ikta ayagoo naftooda dulmiyay, waxay dhahaan maxaad ahaydeen waxay dhahaan waxaan ahayn kuwo lagu daciifsaday dhulka, waxay malaa’iktu ku dhahaan ma wuusan ahaan dhulka Alle mid waasac ah oo aad dhexdiisa ku haajirtaan, kuwaas hoygooda waa jahannama, waxaa xumaaday aayahooda, intaan ka ahayn kuwii la daciifsaday ee ragga iyo dumarka iyo caruurta ah, ee aan awoodin xiilad kuna toosi karin jidka, kuwaas wuxuu u dhaw yahay Alle inuu iska cafiyo xaggooda, Allana waa saamaxe dambiga dhaafa} iyo hadalka Alle:

[سورة العنكبوت]

oo uu macnihiisu yahay: {addoomadayda i rumeeyayoow dhulkayga waa waasic ee aniga uun igu caabuda}. Baqawi wuxuu yiri Alle ha u naxariistee, aayaddaan waxay ku soo dagtay muslimiintii Makka joogay oo aan haajirin, Alle wuxuu ugu yeeray magaca iimaanka, hijrada waxaa daliil u ah xagga sunnada xadiiska nabiga r:

( لا تنقطع الهجرة حتى تنقطع التوبة، ولا تنقطع التوبة حتى تطلع الشمس من مغربها)

“hijradu ma go’eyso ilaa toobakeenku go’o, toobadkeenkuna ma go’o ilaa ay qorraxdu ka soo baxdo qorrax u dhaca”, markii uu nabiga r ku nagaaday madiina waxaa la amray sharciyada islaamka wixii ka dhimmanaa sida Zakada, Soonka, Xajka, Aadaanka, Jihaadka, Isfaridda wanaagga iyo iska reebidda xumaanta iyo wixii kale ee sharciyada islaamka, toban sano ayayna ku qaadatay arrimahaas. Nabiga r wuu dhintay, diintiisuna waa mid baaqi ah oo hartay, diinkiisuna waa kan: ma jiro kheyr uusan ummadda tusin, mana jirto shar uusan ummadda uga digin, kheyrkii uu ummadda tusay waa: towxiid iyo wax kasta uu Alle jecel yahay raallina ka yahay, shartii uu ka digayna waa: shirkiga iyo wax kasta uu Alle karhayo reebaayana.

Alle wuxuu u soo diray Nabiga r dadkoo dhan, wuxuuna ku waajibiyay daacadiisa jinniga iyo insiga inay isaga adeecaan, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة الأعراف 158]

oo uu macnihiisu yahay {waxaad tiraahdaa dadoow waxaan ahay rasuul Alle oo loo soo diray adinka dhammaantiin}, diintii ayuu Alle ku kaamil yeelay, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة المائدة 3]

oo uu macnihiisu yahay: {maanta ayaan diintiinna idiin dhammaystiray, nicmadaydana korkiinna ku taam yeelay, waxaanna idinkaga raalli noqday Islaamka diin ahaan}, waxaa daliil u ah dhimashada Nabiga r hadalka Alle:

[سورة الزمر]

oo uu macnihiisu yahay: {adigu waad dhimanaysaa, ayaguna way dhimanayaan, kadibna adinka maalinta qiyaamaha Alle hortiisa ayaad ku doodi doontaan}.

Dadka markay dhintaan waa la soo bixinayaa, waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة طه]

oo uu macnihiisu yahay: {ayada “dhulka” ayaan idinka abuurnay, ayada ayaana la idinku celinayaa “aasayaa markaad dhimataan” ayada ayaan idinka soo bixinaynaa “soo saarista maalinta qiyaamaha” mar kale}, iyo hadalka Alle:

[سورة نوح]

oo uu macnihiisu yahay {Alle dhulka xaggiisa ayuu idinka soo saaray haddana idinku celin doonaa “dhulka” idinkana soo saari doonaa}, isa soo bixinta kadib camalyaalkii ayaa la xisaabin doonaa lana iska abaalmarin doonaa, waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة النجم]

oo uu macnihiisu yahay: { Alle waxaa u sugnaaday wax kasta oo cirarka iyo dhulalka dhexdooda ku jira si uu uga abaalmariyo kuwii xumaanta sameeyay camalkooda, uguna abaalmariyo kuwii wanaagga sameeyay wanaag}, qofkii beeniya isa soosaaridda wuu gaaloobay, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة التغابن]

oo uu macnihiisu yahay {waxay sheegteen kuwii gaaloobay in aan la soo bixin doonin, waxaa tiraahdaa sidaas maaha ee Alle ayaan ku dhaartay waa la idin soo bixin doonaa, kadibna la idiin sheegi doonaa waxaad samayseen, kaasina Alle waa u fudud yahay}, Alle wuxuu u soo diray rususha oo dhan inay digaan ooy bishaareeyaan  waxaa daliil u ah hadalka Alle:

[سورة النساء 165]

oo macnihiisu yahay: {waxaan soo dirnay rasuullo bishaareynaya digaayana si aysan dadka xujo ugu yeelan Alle korkiisa rususha kadib}, kooda ugu horreeyay waa Nuux u kooda ugu dambeeyayna waa Maxamed r, waana kii lagu soo qatimay nabiyada, waxaa daliil u ah in uu Nuux yahay nabigii ugu horreeyay hadalka Alle:

[سورة النساء 163]

oo uu macnihiisu yahay: {annaga ayaa kuu waxyoonnay sida aan ugu waxyoonnay Nuux iyo nabiyaddii ka dambeeyay}.

Ummad kasta Alle wuxuu u soo diray rasuul laga billaabo Nuux ilaa laga gaaro Maxamed waxayna amrayeen cibaadada Alle oo kali ah, waxayna ka reebayeen cibaadada Alle wixii ka soo hara “dhaaquut”, waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة النحل 36]

oo macnihiisu yahay: {waxaa xaqiiqo ah in aan u soo dirnay Ummad kasta rasuul inay caabudaan Alle kana dheeraadaan Dhaaquutka}, Alle wuxuu ku waajibiyay dhammaan addoomada inay ku kufriyaan Dhaaquut Allana rumeeyaan.

Ibnu qayim Alle ha u naxariisto wuxuu yiri: Macnaha Dhaaquutka waa wixii addoonka xadka kaga gudbo oo ah wax la caabudo ama la raaco ama la adeeco, Dhaaquutyaalkana way badan yihiin madaxdooduna waa shan:

  1. Ibliis Alle ha lacnadee
  2. iyo Qofkii la caabudo raallina ka noqda
  3. iyo Qofkii ugu yeeray dadka inay asaga caabudaan
  4. iyo Qofkii sheegtay inuu og yahay cilmi qaybka
  5. iyo Qofkii wax ku xukuma xukunka Alle waxaan ahayn.

Waxaana daliil u ah hadalka Alle:

[سورة البقرة]

oo uu macnihiisu yahay: {diinka la iskuma qasbo, hanuunkii wuxuu ka cadaaday baadida, qofkii ku gaalooba dhaaquutka, Allana rumeeya, waxaa xaqiiqo ah in uu qabsaday xarig “islaamka” adag oo aan go’aynin, Allana waa kii maqal badan oo cilmi badan}, kanna waa macnaha kalimada towxiidka “لا إله إلا الله” Xadiisna waxaa ku jiray:

(رأس الأمر الإسلام وعموده الصلاة وذروة سنامه الجهاد في سبيل الله)

oo macnihiisu yahay “amarka madaxiisu waa Islaamka, tiirkiisana waa Salaadda, meesha ugu sarreysana waa Jihaadka jidka Alle} Alle ayaa ogaal badan.

Waxaa intaas ku dhammaaday tarjumidda kitaabka Usuulu ath-Thalaathah.

وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

 

Waxaa tarjumay:
Cabdifataax Axmed Yare

Waxaa ka sugnaaday Rasuulka inuu yiri: “Ducada iyada ayaa cibaadada ah.”