Qaamuuska Fiqi
Soomaali – Ingiriis
Cabdiraxmaan Xaashi
iyo
Cawil Xaashi
Daabacaaddii Koowaad
Fiqi’s Somali English Dictionary
First Edition
Abdirahman Hashi
With
Awil Hashi
Fiqi Educational Materials
Publishers and Distributors
© C C Xaashi 1995
Xuquuqda daabacaaddu waa ay dhowrsan tahay. Lama badsan karo, si kasta oo loo dhigaba, iyadoon oggolaansho loo haysan. Ciddii ku xadgudubta waxaa lala tiigsan doonaa maxkamad sharci ah oo adduun ama waxaa lala sugi doonaa midda aakhiro ee Alle, iyada oo shareecada Islaamku ay meel cad ka istaagtay xaaraanshaha bililiqaysiga buugta, sida ku xusan buugga Xuquuqda Daabacaadda ee Shiikh al-Albaani.
© A A Hashi 1995
All rights reserved. No part of this publication may be reproduced or utilized in any form or by any means, be it electronic or mechanical, including photocopying, recording or any information storage and retrieval system, without written permission from the copyright owner.
Fadlan ku soo dir wixii faallo ama dalab buuggan la xiriira:
Please send your comments and orders to:
fiqipublishers@hotmail.com
ISBN: 9697685-1-5
Waxaa lagu daabacay Maleeshiya, waxaana daabacay:
Printed in Malaysia by:
Percetakan Zafar SDN. BHD.
Tusmada Buuga – Contents
Horudhac – Introduction
Mahadnaq – Acknowledgement
Sida loo isticmaalayo qaamuuskan – How to use this dictionary
Tusaalooyin sawiran – Visual examples
Habka kala horeynta xuruufta ee qaamuuskan – The alphabet order used in this dictionary
Qaabkii asaliga ahaa ee xuruufta af Soomaaliga – The original order of the Somali alphabet
Tilmaamo gaaban oo ku saabsan naxwaha af Soomaaliga – Brief notes on Somali grammar
Habka dhawaaqa erayada Ingiriiska – Key to English pronunciation
Xuruuf iyo astaamo lasoo gaabiyay – Abbreviations and symbols
Horudhac
Waxaa mahad leh Ilaahi oo suurtagak ka dhigay in buuggan uu dhamaystirmo.
Buuggan waxaa loogu tala galay in uu noqdo qaamuus heer dhexe ah, oo erayada ku qoran ay noqdaan kuwo ay fahmi karaan dadka caadiga ah, waxaa lagu fasiray erada Soomaaliga ah erayo Ingiriis ah oo u dhigma, islamarkaana waxaa la raaciyey dhawaaqooda o oaf Soomaali ku salaysan, waayo wuu kala duwan yahay dhawaaqa iyo qoraalka luuqadda Ingiriiska.
Shaqada buuggan waxay billaamatay dhammaadkii sanadkii 1994kii wuxuuna dhammaaday Juun 1998kii.
Ka dib markaan dhammaystirnay qaamuuskii Aasaasi Soomaali Ingiriis (Essential Somali English Dictionary), Cawil C. Xaashi iyo aniga 1993kii, ayaa waxaa ii muuqatay baahida weyn ee loo qabo qaamuus af Soomaali iyo Ingiriis ah, gaar ahaan baahida bulshada Soomaaliyeed ee jecel barashada luuqadda Ingiriiska iyo dadka kale ee danaynaya barashada af Soomaaliga.
Waxaan Ilaahi ka rajaynayaa in uu buugan noqdo mid waxtar u yeesha dadka doonaya barashada luuqadaha Soomaaliga iyi Ingiiska labaduba.
Afeef
Maadaama uu buuggan yahay daabacaaddii ugu horaysay, islamarkaana luuqadda Soomaaligu aynan wali xasilin, waxaan shaki ku jirin in ay akhristayaashu kala kulmi doonaan qaladyo la xiriira xaga daabacaadda, lahjada, naxwaha iyo fasiraadaba.
Waxaan akhristayaasha ka codsanaynaa in ay noo dulqaataan oo nala socodsiiyaan waxii faallo ah oo la xiriira khaladyada ay dareemaan si aan u turxaanbixinno daabacaadaha dambe.
Mahadnaq
Ugu horeyntii waxaa mahad leh Ilaahigii igu hanuunshay in aan buuggan qoro, kadibna waalidkay, Aabbe Cabdullaahi Xaashi iyo Alla ha-u-naxarristee Hooyo Khadiija Xaashi.
Intii hawsha buugan socotay dad badan baa si hagarla’aan ah gacan uga geystay, dadkaas oo kala joogay meela kala duwan.
Ugu horrayntii waxaa mudan in aan si gaar ah u xuso xaaskayga Ismahaan Cabdi Nuur iyo carruurtayda Faaduma, Maxamed, Nasro iyo Mahad oon marna ka ddalin in ay igu taageeraan una dulqaataan muddadii dheerayd ee hawsha buuggan socotay.
Waxaan mahadnaq kal iyp lab ah u soo jeedinayaa Cawil C. Xaashi, qoraagii Qaamuuska Aasaasi Soomaali Ingiriis, oo talooyin waxtar ah iga siiyay qoraalka buuggan. Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa saaxiibaday reer Kijena, Kanada, gaar ahaan Cabdi “Baarlamaan” Abuukar oo taageero joogta ah iga siiyay sixitaanka buugga iyo hawlo badan oo xagga koombiyuutarka la xiriira. Waxaa kaloo qeyb weyn ka qaatay diyaarinta buuggan CabdiRaxmaan “Dhuubane” Baynax, Sacdiya Maxamed Diiriye, CabdiNaasir Macaawiye, Axmed Jaalle iyo Wali Maxamed Aadan.
Waxaa sidoo kale mahadnaq kal iyo lab ah usoo jeedinayaa saaxiibaday reer Toronto, Kanada oo qeyb weyn ka qaatay hawsha buuggan oo ay ka mid yihiin CabdiRashiid Khaliif Xaashi, CabdulQaadir Khaliif Xaashi iyo Maxamuud CabdiSalaan.
Magaalada Adis Abaaba, Itoobiya waxaa si weyn gacan iiga siiyey, suurtagalna ka dhigay in buuggaan soo baxo Injineer Maxamed Maxamuud Xirsi. Waxaa mahadnaq mudan Maxamed Maxamuud Shiikh oo dhammaan buuggan dib u akhriyey oo talooyin badan oo waxtar ah ku biiriyey Saciid “Caynaanshe” Cabdullaahi Saciid oo ka qeyb qaatay sixitaanka isla markaana Koombiyuutarka galiyey sixitaan badan oo buuggan lagu sameeyey.
Magaalada Jigjiga, Soomaali Galbeed waxaan mahadnaq kal iyo laab ah u soo jeedinayaa Cali Cabdi Ciise, Cali “Dhaddac” Yuusuf Ciise, Cabdi “Yare” Maxamed Aadan, Axmed Maxamed Tarrax oo si hagarla’aan ah gacan ii siiyey intaan Jigjiga joogay oo hawsha buuggan ku jiray. Ugu dambeyntii waxaan u mahadnaqayaa Marwo Koolin Kroos oo saxday qeybta Ingiriiska ee qaamuuskan.
Wassalaamu calaykum
Cabdiraxmaan C. Xaashi
Adis Abaaba, Itoobiya
13 Juun, 1998
Sida loo isticmaalayo qaamuuskan
Tusaalooyin Sawiran
Tusaalaha 1aad: Eray magac ah – Example 1: A noun
eray salka ah – [root word] tusaale – example
aag -ga: (n) area (ee-riya); a region. Ex. Aagga beeraha; the farming area. Aagga Xamar; Hamar area.
qodobka magaca raaca aag-ga [the article of noun]
macnaha oo Ingiriis ah [the English meaning]
dhawaaqa erayga oo Soomaali ah [pronunciation]
Tusaalaha 2aad: Eray fal ah – Example 2: A verb
eray fal ah [a verb]. Macnaha [meaning]
akhri –yey/say : (v) read (riidh). Ex. Kor u akhri; read aloud. –akhris –ka: (n) the act of reading (riidh).
fal waqti tagay oo lab fardi ah [past tense of masculine singular]
akhriyey
fal tagay oo dheddig fardi ah [past tense of feminine singular]
akhrisay
Tusaalaha 3aad: Eray sifo ah – Example 3: An adjective
aaraa –da: (n) 1. ideas (aay.dhiyas) ~ fikrad. –Syn: thoughts.
Macnaha koowaad – First meaning
eray la macna ah – [synonym]
Habka qaamuuskaan la raacay
A, a
a1: (alif) the first letter of the Somali alphabet, according to the style adopted by this dictionary, it is a vowel letter ~ shaqal
-a2: (suffix) [the] definite article of some masculine nouns. Ex. Arag; aragga; the sight; in English, the indefinite articles are a and an, and the definite article is the.
-a3: (suffix) –s; used to form the third person masculine plural present tense of verbs. Ex: fiiriya: that looks; maqla; that hears; hurda; that sleeps. Ex: xayawaanka cawska cuna; animals that eat grass.
-aa1: (n) long vowel of letter A. Ex: aabbe; father. Caano; milk.
-aa2: (suffix); -ing; used to form the present continous tense. Ex: ma socotaa; are you going; Wuu hurdaa; he is sleeping.
aabayeel –ay/aabayeeshay: (v) respect (ris-pekt); consideration or courtesy, Ex: waxba uma aabayeelin; he didn’t respect anything ~ turid, -u aabayeel: (v) be considerate (bii kon-sidereyt); be thoughtful ~ tixgali -u aabayeelid –da (n) consideration (konsidereyshin)
aabbanimo –aabbanimada: (n) fatherhood 9faader-huudh); the state of being a father
aabbe –aabbaha (n) father (faa-der)