Qur’aanka Kariimka iyo Tarjumada Macaanidiisa

Tusmada Kitaabka

Hordhac

Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Nabad iyo Naxariis Allena ha ahaato addoonkiisa Muxammad bin Cabdullaah (ﷺ) korkiisa, iyo ehlu beydkisii iyo asxaabtiisii iyo cid kasta oo ku raacda xaqa tan iyo Qiyaamaha. Intaas kaddib:

Walaalayaal, Qur’aanka Kariimka waa fartiinta Alle, waa dhambaal abad iyo daa’im ah oo waara, waa mucjizo wayn uu Allaah kor ahaaye kusoo dajiyey Nabigeennii lagu khatimay anbiyada iyo rususha, waxaa loogu soo dhiibay Ruuxa Aaminka ah, Jibriil, oo kusoo dajiyay qalbigiisa, waa u hanuun dadka oo dhan. Waa halka laga qaato caqiidada saxa ah iyo iimaanka sugan iyo xeerarka sharciga, waa nuur u ifiya dadka jidka, waana kitaab wax tarbiyeeya oo tusaaleeya oo tilmaama si ay dadka uga baxaan mugdiyada xagga nuurka, wuxuu ku hanuuniyaa dadka sida toosnaanta badan, wuxuuna ugu bishaareeyaa mu’miniinta u dhaqma sida suubban inay leeyihiin ajar wayn (Janno).

Wuxuuna Allaah usoo dajiyay hanuun ahaan dadka, iyo caddaymo hanuun ah iyo kala bixin xaqa iyo baadilka. Wuxuu u yahay caafimaad laabaha, waa kitaab barakaysan oo marag iyo ilaaliye u ah kutubta kale oo dhan ee laga soo dajiyay xag Alle. Waa Kitaab la sugay aayadahiisa oo laga soo caddeeyay xagga Allaah, xikmad badanaha, xog ogaalka ah.

Waxaana shaki ku jirin baahida ay dadku u qabaan Kitaabkani uu ka wayn yahay baahida ay u qabaan biyaha iyo hawada, waayo martabaddiisu waa martabadda iyo halka ay nafta ka joogto jirka.

Wuxuu yiri Allaah kor ahaaye, “Oo sidaas baan waxaan kuugu waxyoonnay [Muxammadow] ruuxan [waxyi iyo naxariis] amarkayaga ah oo ma aadan u lahayn cilmi wuxuu yahay kitaab iyo iimaan midna, laakiinse waxaan ka dhignay [Qur’aankan] nuur aan ku hanuuninno ciddii aan doonno oo kamid ah addoomahayaga, oo waxaad xaqiiq adigu [Muxammadow] ku hanuunisaa [dadka] jid toosan, jidka Ilaahay, ee ah kan iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka. Xaqiiq, arrimaha oo idil ugu dambayn waxay u aadaan Allaah [go’aan ka bixin oo isaga baa ka arrimiya].”

U adeegga diinta Alle darteed iyo innagoo ajar kaga doonayno Allaah, waxaan u guntannay hawsha tarjumada macaanida Qur’aanka iyo ku fasirkiisa af Soomaali. Waxaana halkan ugu soo gudbinaynaa walaalaheen Soomaaliyeed isagoo ku tarjuman af Soomaali sahal ah oo cad ay ka faa’idaysan karaan cid kasta. Waxaana ku saleennay fasirkiisa manhajka ahlu Sunnaha iyo Jamaacada gaar ahaan mas’alooyinka caqiidada sida magacyada Alle ee quruxda badan iyo sifaatkiisa sare iyo qayrkoodba. Waxaana ku dadaalnay in xaraf kasta oo kamida kusoo gudbinno dhigankiisa af Soomaaliga si aan u siinno tarjumada xaqeeda, marba waxa aan tarjumaynno maadaama uu yahay Kitaabkii Ilaahay.

Waxaana jirta in aan tixgalin siinnay in naska Qur’aanka dhammaantiis aan wada fasirno innagoo aan waxba ka tagin waana sida la doonayo ee abbaarta ah, tusaale haddii aan arrintaasi idin ka siinno qawlka Allaah kor ahaaye:

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ

Wa’da la socota innaka waxay leedahay macno oo u dhiganta Soomaali ahaan “oo”. Sidoo kale, “inna” waxay leedahay macno waxaana la yiraahdaa xarfu-tawkiid, waa adkayn hadalka, waxayna u dhigantaa Soomaali ahaan xaqiiq, hubaashii, dhabtii, wallee, iyo kuwa lamida oo loola jeedo adkayn hadalka iyo muujinta inuu xaq yahay dhab ah. Xarafka “la” ee la socda “calaa” ee “lacalaa”, la’daas ka horraysa “calaa” waxay leedahay macno oo waa xarfu-tawkiid oo wuxuu la macno yahay “inna”, mana aha intuba hadal zaa’id ah aan macno lahayn, aad bayna ugu badan yihiin xuruuftaas oo kale Qur’aanka, waxaadna arkaysaa in badi mufassiriinta Soomaaliyeed ay ka tagaan oo tixgalin siin, taasoo aan sax ahayn. Masalan marka ay fasirayaan:

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ

Waxay u fasirayaan sidatan, “Waxaa ku sugnaatay dabeecad fiican.” Waxay halkaas kaga tageen xarafkii waawga ee billawga aayadda, iyo “inna” iyo la’da ku xiriirsan ee la socota “calaa”, sida abbaarta ahna ee waafaqsan naska Qur’aaniga waa in loo tarjumo sidatan ah, “Oo waxaad xaqiiq adigu [Muxammadow] dhab ahaan ku sugan tahay dabeecad san.”

Waxaa kaloo jira in ficil maadiga ama falka tagay, markii uu sagaal xaaladood ku yimaado loola jeedo ficil mudaaric fal jooga ama dhici doona, waxaana kamid ah xaaladahaas haddii ficil maadigaa — falka tagay — uu yimaado kaddib xaraf kamid ah xuruufta shardiga sida “idaa”. Tusaale ahaan:

إِذَا جَاءَ نَصْرُ اللَّهِ وَالْفَتْحُ

Marka “jaa’a” waa ficil maadi, laakiinse waxaa ka hor maray “idaa” oo xaraf shardi ah, marka laguma fasirayo “jaa’a” yimid, ee waxaa lagu fasirayaa “yimaado”.

Waxaa kamid ah xaaladahaa haddii ficil maadiga lagu billaabo hadalka, sida:

أَتَىٰ أَمْرُ اللَّهِ فَلَا تَسْتَعْجِلُوهُ

Laguma fasirayo waxaa yimid ee waxaa loola jeedaa wax dhici doona mustaqbalka, marka macnaha wuxuu noqon, “Waxaa imanaya…” ama “imaan doona…” Waxaa kaloo kamid ah xaaladahaas marka uu ficil maadiga — falka tagay — yimaado xarfu-mawsuul kaddib, sida “alladii”, “alladiina”, “maa”. Tusaale ahaan:

إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا 

Laguma fasirayo “Kuwii rumeeyay…” ee waa “Kuwa rumeeya…” ama “rumaysan…” ama “rumeeyay…”

Dhinaca kale waxaa jira xuruufta Carabiga qaarkeed aan laga helayn luqadda Soomaaliga sida ث waxaan u isticmaalnay ‘th’ iyo sida غ waxaan u isticmaalnay ‘gh’, iyo sidoo kale ز oo waxaan u isticmaalnay ‘z’ meelaha qaarkood.

Xagga magaca Allaah, waxaan u daynay sida uu yahay, waayo ma aha sax in loo tarjumo Eebbe iyo wax lamida oo magacyada Ilaahay ma aha waxa aan innagu bixin karno. Magacyada Anbiyadana waxaa jira labo Nabi ay Soomaalida magacyadooda yari baddalaan sida Muusaa oo ay yiraahdaan Muuse, iyo Ciisaa oo ay yiraahdaan Ciise, waxaan innagu ku magacawnay Qur’aanka dhexdi waxa uu Allaah ku magacaabay oo ah Muusaa iyo Ciisaa.

Tarjamadu sideedaba ma aha hawl sahlan, tarjumada macaanida Qur’aanka waa kan ugu sii adag, waayo waa mucjizo waarta oo xag Rabbi ah, marka sidee buu qof u wada ofsan karaa xaqa tarjumada hadal ayan isagoo kale keeni karin jinka iyo insiga haddii ay isu tagaan oo iska kaashadaan? Waxaana la og yahay in tarjumada si kasta oo loogu dadaalo iyo heer kasta oo ay ka gaarto wanaagga inaysan gaari karin halka uu gaarsiisan yahay naska Qur’aanka ee aan lala iman karin isagoo kale. Sidaas darteed waxaan ka rajaynaynaa qof kasta oo akhriya tarjumadan inuu noo soo jeediyo wixii talooyin ah iyo tusaalooyin si looga faa’idaysto dabcooyinka soo socda hadduu Alle idmo. Waxaana ka baryayaa Allaah kor ahaaye inuu ku anfaco walaalahay Soomaaliyeed meel iyo waa ay joogaanba, oo naga aqbalo camalkan aan ku doonayno Wajigiisa kariimka ah oo naga ah dar Ilaahay, oo noogu daro miizaanka camalladeenna wanaagsan maalin aanay wax tarayn maal iyo carruurba.

Waxaa ammaan idilkeed iyo mahadba leh Allaah, oo nabad iyo naxariis Ilaahay korkiisa ha ahaato Nabigeennii Muxammad, ahlu baytkiisii iyo asxaabtiisii oo dhan.

Cabdulcaziiz Xasan Yacquub

Suuradda 1aad: Al-Faatixa

  1. Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.
  2. Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa iska leh Allaah, Rabbiga uumanka.
  3. Naxariistaha, Naxariista Badan.
  4. Boqorka Maalinta Jaazeynta.
  5. Adiga oo [keliya] baan ku caabudaynaa, oo Adiga oo [keliya] baan ku kaalmaysanaynaa.
  6. Ee nagu hanuuni Jidka Toosan.
  7. Jidka kuwa aad u nicmaysay, aan ahayn [jidka] kuwa aad u carootay, iyo kuwa dhunsanba.

Suuradda 2aad: Al-Baqarah [Saca]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Alif laam miim. [Xarfahani waxay ku tusinayaan Mucjizada Qur’aanka, oo Allaah Keliya baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Kani Kitaabka [Qur’aanka] shaki kuma jiro, waa u hanuun kuwa dhowrsada.
  3. Kuwa rumeysan Ghaybka [waxa qarsoon ee maqan], oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo wixii aan ku irsaaqnay wax ka bixiya.
  4. Ee rumeysan waxa [Qur’aanka iyo Sunnada] lagugu soo dajiyay [Muxammadow], iyo wixii [Towraadda iyo Injiilka, iyo wixi lamid ah ee] la soo dajiyay adiga hortaa, ee Aakhirada iyagu yaqiinsan.
  5. Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun [dhab ah] oo xagga Rabbigood ah, waana kuwaas kuwa liibaanay.
  6. Xaqiiqdii, kuwa gaaloobay waa isugu mid haddii aad [Muxammadow] u digto iyo haddii aadan u diginba, ma rumeyn doonaan.
  7. Wuxuu Allaah daboolay qalbiyadooda iyo maqalkooda, oo araggooda waxaa ku rogan caad, oo waxaa u sugnaaday cadaab wayn.
  8. Oo dadka waxaa ka mid ah kuwo [munaafiqiin ah oo] yiraahada, “Waxaan rumeynnay Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhirada],” oo aan se ahayn mu’miniin.
  9. Waxay [moodayaan inay] dagayaan Allaah iyo kuwa [Xaqa] rumeeyay, mase dagayaan waxaan ahayn naftooda, mase dareensana.
  10. Waxaa ah qalbiyadoooda cudur [shaki iyo munaafiqnimo ah], markaasuu Allaah u siyaadiyay cudur, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan beenintoodii darteed.
  11. Oo marka lagu yiraahdo, “Ha fasahaadinina dhulka,” waxay yiraahdaan, “Waxaannu nahay oo keliya kuwo wax hagaajinaya.”
  12. Xaqiiqdii, waa iyaga kuwa wax bi’iska ah, laakiinse ma ay dareensana.
  13. Oo marka lagu yiraahdo [munaafiqiinta], “Rumeeya sida dadku [kuwii raacay Muxammad ee Ansaar iyo Muhaajiriin ah] u rumeeyeen,” waxay yiraahdaan, “Ma waxaannu u rumeyn sida maangaabku u rumeeyeen?” Xaqiiqdii, waa iyaga maan-gaabyada, laakiinse ma ay oga.
  14. Oo marka ay la kulmaan kuwa [xaqa] rumeeyay, waxay yiraahdaan, “Waan rumaynnay.” Markase ay la keli noqdaan shaydaamadooda [mushrikiinta, gaalada munaafiqiinta, iyo wixi lamid ah], waxay yiraahdaan, “Run ahaantii, innagu idinkaynu idin la jirnaa, xaqiiqdii, wax kale maahee innagu waan iska jeesjeeseennay.”
  15. Allaah baa ku jees-jeesaya oo ugu seeto-dheereynaya kibirka iyagoo ku jaha-wareersan.
  16. Kuwaasu waa kuwa siistay habowga hanuunka, markaas ganacdoodii waxay noqotay midaan miro lahayn, mana aha kuwo hanuunsan.
  17. Mataalkoodu waa sida mataalka mid shitay dab, dabadeedna markii ay ifisay wixii hareerihisa ahaa Allaah kala tagay nuurkoodii, oo uga tegay mugdiyo ayan wax arkayn.
  18. Dhago la’aan, af la’aan, indho la’aan ah, xaqana uma soo noqdaan.
  19. Ama waa sidii mayay [roob wayn] ka yimid cirka oo leh mugdiyo, onkod iyo hillaac, waxay galiyaan farahooda dhegahooda si ayan u maqal hanqarka onkodka dhimasho ka biqid darted, oo Allaah waa koobay gaalada.
  20. Hillaacu wuxuu sigayaa inuu dafo araggooda, mar kasta oo uu u ifo waa ku socdaan, markase uu mugdi daboolo, waa istaagaan, oo haddii uu Allaah doono, wuxuu la tegi lahaa maqalkooda iyo araggooda, xaqiiqdii Allaah wax walba waa karaa.
  21. Dadow! Caabuda Rabbigiin ee abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyayba, bal inaad [ka] dhowrsataan [xumaha].
  22. Oo ah Kan idiin ka yeelay dhulka gogol, cirkana saqaf, oo kasoo dajiyay cirka roob, oo kusoo saaray miraha risiqa idiin ah, ee ha u yeelina Allaah shariikyo aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon.
  23. Oo haddii aad idinku [mushrikiinta Carbeed, Yuhuudda iyo Nasaarada] aad ka shakisan tihiin waxa aan kusoo dejinnay addoonkayaga [Muxammad], marka keena suurad la mid ah [Qur’aanka], oo u yeerta markhaatiyadiinna Allaah ka sokow, haddii aad run sheegaysaan.
  24. Haddiise aydaan falin, mana fali kareysaane, iska jira Naarta shidaalkeedu yahay dadka iyo dhagaxaanta, ee loo diyaarshay gaalada.
  25. Oo ugu bishaaree kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, inay leeyihiin beero ay hoostoodu webiyadu qulqulayaan [Janno]. Mar kasta oo laga siiyo miro xaggeeda, waxay oranayaan, “Waxakanu waa wixii nala siiyay awal hore,” waxaana la siin doonaa waxyaalo isu eg [oo isku muuqaal ah, ha yeeshee ku kala duwan dhadhanka] waxayna ku leeyihiin dhexdeeda [Jannada] afooyin daahir ah [aan lahayn caado dhiigga xaylka, saxaro, kaadi, iyo wixi lamid ah] waana ku waari doonaan dhexdeeda weligood.
  26. Xaqiiqdii, Allaah kama xishoodo inuu u soo qaato mataal xitaa kaneeco ama wax ka sarreeya [ama wax ka hooseeya]. Xagga kuwa [Xaqa] rumeeyay waxay og yihiin inuu xaq yahay xagga Rabbigood ah, kuwase gaaloobay waxay oranayaan, “Muxuu Allaah uga dan leeyahay mataalkani?” Wuxuu ku dhumiyaa wax badan, oo ku hanuuniyaa wax badan. oo kuma dhumiyo waxaan ahayn faasiqiinta.
  27. Kuwa jebiya axdiga Allaah kaddib adkayntiisa, oo gooya waxa Allaah amray in la xiriiriyo, oo ku fala fasahaad dhulka, kuwaas waa kuwa khasaaray.
  28. Sidee baad ugu gaaloobaysaan Allaah idinkoo ahaa meyd oo markaa idin nooleeyay, misna idin dhinsiinaya, misna idin soo nooleynaya [mar kale Qiyaamaha], misna xaggiisa la idiin soo celin doono.
  29. Waa Isaga Kan idiin abuuray waxa dhulka korkiisa ah oo dhan, dabadeed ka kor ahaaday cirka oo ka dhigay toddobo samood, Isaga baana wax waliba ogsoon.
  30. Oo [xus] markii uu Rabbigaa ku yiri malaa’igta, “Waxaan anigu xaqiiqdii yeelayaa dhulka cid u hadha oo facyoba ay ka dambeeyaan facyo.” Waxay yiraahdeen, “Ma waxaad ka yeeleysaa dhexdeeda kuwa ku falaya fasahaad dhexdeeda oo ku daadinaya dhiig, innagoo ku tasbiixsanna xamdigaaga, oo ku waynayna.” Wuxuu [Allaah] yiri, “Waxaan ogahay wax aydaan ogeyn.”
  31. Oo wuxuu baray Aadam magacyada [wax waliba], markaasuu wuxuu usoo bandhigay malaa’igtii oo yiri, “Ii sheega magacyada kuwaan haddii aad run sheegaysaan.”
  32. Waxay [malaa’igtii] yiraahdeen, “Adigaa nazahane, innagu ma lihin cilmi aan ahayn waxa aad na bartay. Xaqiiqdii, waa Adiga Cilmi Badanaha, Xikmadda Badan.”
  33. Wuxuu yiri, “Aadamoow! U sheeg waxaa magacyadooda.” Markii uu u sheegay magacyadoodii, wuxuu [Allaah] yiri, “Sow idiinma sheegin inaan ogahay Ghaybka [waxa qarsoon aan muuqan] ee dhexdooda ah samooyinka iyo dhulkaba, oo waxaan ogahay waxa aad muujinaysaan iyo waxa aad qarinaysaanba?”
  34. Oo [xus] markii aan ku niri malaa’igta, “U sujuuda Aadam [salaan ahaan],” markaasay sujuudeen Ibliis maahee, waa diiday oo is-wayneeyay, wuxuuna ka mid yahay gaalada [ku caasida Allaah].
  35. Waxaannuna niri, “Aadamow! Dega adiga iyo afadaadu Jannada, oo ku cuna haqab la’aan si farxad leh waxyaalaha dhexdeeda ah meesheedii aad doontaanba, hase u soo dhowaanina geedkaan ama waxaad ka mid noqoneysaan daalimiinta.”
  36. Markaasuu Shaydaan ka yeelay inay ka sadbidaan xaggeeda [Jannada] oo ka saaray wixii ay ku jireen waxaannu niri, “Ka hoobta Jannada, iyadoo qaarkiinba qaar u yahay cadow, oo waxaa idiinku sugnaaday dhulka degaan iyo raaxo ilaa muddo ah.”
  37. Markaasuu Aadam kala kulmay xagga Rabbigiis kelmado, Rabbigiisna waa ka toobad aqbalay. Xaqiiqdii, [Allaah] waa toobad aqbalaha, Naxariista Badan.
  38. Waxaannu niri, “Ka hoobta xaggeeda dhammaantiin, markiise uu idiinka yimaado xaggayga hanuun, kii kastoo raaca Hanuunkayga, ma ahaan doonto korkooda cabsi, mana murugoon doonaan.”
  39. Kuwase gaalooba ee beeniya Aayadahayaga, waa kuwaas ehlu-Naarka, Waana ku waarayaan dhexdeeda weligood.
  40. Ilmahii Israa’iilow! Xusa nicmaddaydii aan idiinku nicmeeyay, oo oofiya [xilalka iyo waajibaadka idinka saaran] axdigii [inoo dhexeeyay] markaasaan aniguna oofinayaa [xaqa I saaran] ee ballanta [aad igu leedihiin ah], oo Aniga oo Keliya iga cabsada.
  41. Oo rumeeya waxa aan soo dajiyay [Qur’aankan] oo rumeynaya waxa aad haysataan, [Towraadda iyo Injiika], oo ha noqonina kuwa u horreeya ee ku gaalooba, oo ha ku iibsannina [gadanina] aayadahayga [Towraadda iyo Injiika] qiimo yar [adduun], oo Aniga oo Keliya iga cabsada.
  42. Oo ha ku dheehina xaqa baadil, oo ha qarinnina Xaqa idinkoo ogsoon.
  43. Oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Sakada, oo la rukuuca jamaca rukuucayaasha.
  44. Ma waxaad amreysaan dadka samaha oo halmaamaysaan [inaad falataan khayr] idinka naf ahaantiinna, idinkoo akhriyaya Kitaabka [Towraadda]. Ma waydaan lahayn garasho?
  45. Oo kaalmaysta sabarka iyo salaadda, oo xaqiiqdii way ku culus tahay waxaan ahayn khaashiciinta [mu’miniinta dhabta ah].
  46. Ee ah kuwa huba inay la kulmi doonaan Rabbigood, iyo inay Xaggiisa u noqonayaan.
  47. Ilmahii Israa’iilow! Xusa nicmaddeydii aan idiinku nicmeeyay, iyo inaan wax idin dheereysiiyay uumanka [dadkii iyo jinkii waqtigiinnii ahaa].
  48. Oo iska jira Maalin [Qiyaamaha] marka uusan qofi wax u tarayn qof kale, oo aan laga aqbalayn shafeeco, oo laga qaadanayn madax furasho, loona gargaarayn.
  49. Oo [xusa] markii aan idinka badbaadinnay qoonkii Fircoon, oo idin dhadhansiin jiray cadaab daran, iyagoo dili jirey wiilashiinna, oo deysan jirey haweenkiinna, waxaana taas ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah oo wayn.
  50. Oo [xusa] markii aan idiin dhanballay badda oo idin badbaadinnay, oo hafinnay qoonkii Fircoon idinkoo arkaya.
  51. Oo [xusa] markii aan u qabannay Muusaa afartan habeen [oo aad maqnaashadiisii] u sameysateen dibiga [inaad caabuddaan] idinkoo daalimiin ah.
  52. Misna aan iska kiin cafinnay intaas kaddib bal inaad shukridaan.
  53. Oo [xusa] markii aan siinnay Muusaa Kitaabka [Towraadda] iyo kala bixiyaha [xaqa iyo baadilka], bal inaad hanuuntaan.
  54. Oo [xusa] markii Muusaa ku yiri qoonkiisii, “Qoonkayow! Waxaad idinku xaqiiqdii dulmideen naftiinnii caabudaaddiinna dibiga darti, ee u toobad keena xagga Uumihiinna [Allaah] oo dila nafahiinna [kuwa aan dambiga lahayni ha dileen dembiilayaasha idinku jira], sidaas baa idiin khayr badan Uumihiinna agtiisa, markaasuu idinka toobad aqbalay. Xaqiiqdii, waa Isaga Toobad Aqbalaha, Naxariista badan.”
  55. Oo [xusa] markii aad laheydeen, “Muusow! Kuma rumeyn doonno jeer aan u aragno Allaah si caddaan ah.” Markaasay idin qabatay hanqar [hillaac] idinkoo arkaya [oo aad dhimateen].
  56. Misna waan idin soo bixinnay dhimashadiinnii kaddib, bal inaad shukridaan.
  57. Oo waxaannu idinku haraynnay daruuro, oo waxaan idiin soo dejinnay manna [malab ama macaan] iyo salwaa [shimbir hilib wanaagsan] [Annagoo leh], “Cuna waxyaalaha wanaagsan ee bannaan oo aan idinku irsaaqnay,” [laakiinse waa caasideen], mana ayan na dulmin, laakiin waxay ahaayeen kuwa naftooda dulmiya.
  58. Oo [xusa] markii aan niri, “Gala magaaladan [Qudus] oo wax uga cuna haqab la’aan dhexdeeda si farxad leh meeshii aad doontaanba, oo ku gala albaabka sujuud [ama rukuucsanaan si khushuuc leh] oo dhahaya, ‘Noo dembi dhaaf,’ waxaannu idiin dhaafi doonnaa dembiyadiinna oo u siyaadin doonaa [ajarka] sama falayaasha.”
  59. Markaasay ku beddeleen kuwii dulmiga falay eraygii lagu yiri mid aan ahayn, markaasaan uga soo dejinnay dembiilayaashii ciqaab xagga cirka, faasiqnimadoodii darteed.
  60. Oo [xus] markii uu Muusaa u dalbay biyo qoonkiisa, waxaannu niri, “Ku dhufo ushaada dhagaxa,” waxaana ka dillaacay durbadiiba halkaa labo iyo toban ilood. Waxay ogaatay [koox] walbaa oo dadka ka mid ah meesha ay ka cabbi lahayd biyaha. “Cuna oo wax ka cabba risiqa Allaah oo ha ku bi’innina arlada fasaad.”
  61. Oo [xusa] markii aad tiraahdeen, “Muusoow! Kuma samri karno hal nooc oo cunto ah, ee noo bari Rabbigaa ha noo soo saaro’e waxa dhulka ka soo baxa, oo bagalkiisa leh iyo qisaagiisa iyo sareenkiisa iyo toontiisa iyo digirtiisa iyo basashiisa.” Wuxuu [Allaah] yiri, “Ma waxaad ku beddelaneysaan kan fiican kan liita? Aada oo u dega magaaladii aad doontaan waxaadna ka heli doontaan waxa aad rabtaan.” Waxaana lagu daboolay oo dusha laga saaray dulli iyo dar xumo, waxayna u soo jiideen naftooda carada Allaah. Taasina sababteeda waa inay ku gaaloobi jireen Aayadaha Allaah, oo ku dili jireen Nabiyada dulmi iyo xaq darro. Taasi waa caasiyoobiddoodii darteed iyo xadgudubkoodii.
  62. Xaqiiqdii! Kuwa [Xaqa] rumeeyay [Muslimiinta] iyo kuwa ah Yuhuudda iyo Nasaarada [Kirishtaha], iyo Saabi’iintaba, kii kastoo rumeeya Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhirada] oo fala camallo wanaagsan oo suubban, waxay ku leeyihiin abaalkooda Rabbigood agtii, cabsi korkoodu ma ahaan doonto, mana murugoon doonaan.
  63. Oo [xusa Ilmahii Israa’iilow] markii aan idinka qaadnay wacadkiinna, oo aan idinka kor yeelnay buurta [Annagoo leh], “Ku qaata waxa aan idin siinnay xoog [go’aan adag], oo xusa waxa ku yaal dhexdiisa, si aad u dhowrsataan.”
  64. Markaas baad jeensateen intaas kaddib, haddii uusan jirin Fadliga Allaah iyo Naxariistiisa korkiinna, waxaad hubaashii ka mid ahaan laheydeen kuwa khasaaray
  65. Oo waxaad dhabtii ogtihiin kuwiinnii ku xadgudbay arrinkii [maalinta] Sabtida, Waxaannuna ku niri, “Noqda daayeerro dulleysan.”
  66. Markaasaan uga dhignay cibrad iyaga naf ahaantooda, iyo facyadii ka dambeeyay iyo cashar ay ku waano qaataan kuwa ka dhowrsada [xumaha].
  67. Oo [xus] markii uu Muusaa ku yiri qoonkiisii, “Wuxuu xaqiiqdii Allaah idin amrayaa inaad gawracdaan sac.” Waxay yiraahdeen, “Miyaad nagu jeesjeeseysaa?” Wuxuu [Muusaa] yiri, “Waxaan ka magan galayaa Allaah inaan ka mid noqdo jaahiliinta.”
  68. Waxay yiraahdeen, “Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxa ay tahay.” Wuxuu [Muusaa] yiri, “Wuxuu [Allaah] leeyahay, waa sac aan duq ahayn iyo ugub midna, oo u dhexeeya labadaa xaaladood, ee u fala waxa la idin amray.”
  69. Waxay yiraahdeen, “Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo midabkeeda.” Wuxuu [Muusaa] yiri, “Wuxuu [Allaah] leeyahay waa sac boore ah oo midabkiisu takhti yahay, oo ay u bogayaan wixii arka.”
  70. Waxay yiraahdeen, “Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxa ay tahay, xaqiiqdii lo’dii baa isaga kaaya ekaatay, hubaahsii innagu haddii uu Allaah idmo waxaan ahaan doonnaa kuwo hanuunsan.”
  71. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Wuxuu [Allaah] leeyahay waa sac aan u tababarneyn inay fasho dhulka iyo inay waraabiso beeraha midna, fayoow, aan lahayn wax midab kale ah boore takhti ah maahee.” Waxay yiraahdeen, “Haatan baad la timid xaqa.” Markaasay gawraceen inkastoo ay ku sigteen inaysan falin.
  72. Oo [xusa] markii aad disheen naf oo isku tuurtuurteen eedda ciddii fashay dambiga, oo Allaah waa soo bixin wixii aad qarinayseen.
  73. Oo waxaan Niri, “Ku dhufta [ninka la dilay] qayb ka mida [saca].” Sidaas buu Allaah u soo nooleeyaa meytida, oo idiin tusinayaa Aayadahiisa [calaamooyinkiisa, xujooyinkiisa, iyo wixi lamid ah] si aad u garowsataan.
  74. Dabeeto intaas kaddib, quluubtiinnii waa qallaleen, oo noqdeen dhagxaanta oo kale, ama ka qallayl badanba, oo waxaa Xaqiiqidii jira dhagxaan ay kasoo burqadaan wabiyo, oo waxaa xaqiiq ku jira dhagaxaanta kuwo dildillaaca oo biyuhu kasoo baxaan xaggooda, oo waxaa xaqiiqdii ku jira [dhagaxaanta] kuwo la soo dhaca cabsida Allaah darted, oo Allaah ma mooga waxa aad falaysaan.
  75. Ee ma waxaad damcaysaan [mu’miniintaay] inay rumeeyaan [Yuhuudda] diintiinna [oo ay Xaqa soo raacaan] iyagoo ay xaqiiqa tahay in qaar ka mid ah [culimada Yuhuudda] ay caadeysteen inay dhageystaan Hadalka Allaah [Towraadda], oo dabadeed beddelaan intay fahmeen kaddib iyagoo og [inay gafsan yihiin]?
  76. Oo markii ay [Yuhuuddu] la kulmaan kuwa [Xaqa] rumeeyay [Muslimiinta] waxay yiraahdaan, “Waan rumaynay [Islaamka]”, markiise ay la keliyoobaan qaarkoodba qaarka kale kulan gaar ah, waxay yiraahdaan, “Ma waxaad idinku [Yuhuuday] uga sheekeyneysaan [oo u qireysaan Muslimiinta] waxa Allaah idiin soo dajiyay waxyi ahaan idinka [Yuhuudda, ee ku saabsan tilmaamaha Nabi Muxammad ee ku yaal Towraadda], si ay iyagu [Muslimiintu] idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan caqli lahayn?”
  77. Ma waysan ogayn [Yuhuuddu] in Allaah og yahay waxa ay qarinayaan iyo waxa ay muujinayaanba?
  78. Oo waxaa ka mid ah [Yuhuudda] dad caamo ah aan waxna akhriyin, oo aan aqoon Kitaabka, hase yeeshee isku halleeya hididdiilooyin been ah oo wax ku dhisa male uun.
  79. Ee hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka [Towraadda] gacmahooda misna oranaya, “Kani wuxuu ka yimid xagga Allaah,” si ay ugu gataan qiimo yar. Hoog baa ugu sugnaaday waxa ay gacmahooda qorayaan, oo hoog baa ugu sugnaaday waxa ay kasbanayaan.
  80. Oo waxay [Yuhuuddu] yiraahdaan, “Nama taabaneyso Naari wax aan ahayn ayaamo tirsan.” Ku dheh [Muxammadow], “Ma waxaad ka sameysateen axdi xagga Allaah, sidaa darteed Allaah ma jebin doono Axdigiisa? Mise waxaad Allaah ka sheegeysaan wax aydaan ogeyn?”
  81. Mayee, kii kastoo kasbadaa xumaan oo uu koobo gefkiisa, kuwaasu waa ehlu-Naar wayna ku waarayaan dhexdeeda weligood.
  82. Kuwase [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, kuwaasu waa ehlu-Janno, wayna ku waarayaan dhexdeeda weligood.
  83. Oo [xus] markii aan ka qaadnay wacadka ilmahii Israa’iil, [Annagoo leh], “Ha caabudina axadna Allaah [Keliya] maahee, oo wanaajiya waalidka, qaraabada, agoonta iyo masaakiinta, oo kula hadla dadka hadal wanaagsan, oo ooga salaadda, oo bixiya Zakada,” markaas baad jeesateen in yar maahee oo idinka mid ah idinkoo [Xaqa] diiddan.
  84. Oo [xusa] markii aan idinka qaadnay wacadka [Annagoo idin leh], “Ha iska *daadaannina dhiig [ha is dilina], oo ha iska *saarinnana guryihiinna,” markaas baad qirteen oo idinka baa ka markhaati ah.
  85. Misna, waa idinka kuwa isdilaya oo ka saaraya qaar idinka mid ah guryahooda, oo kala jiraya [cadowgooda] idinkoo isugu kaalmeynaya danbi iyo colaad, oo haddii ay idiin yimaadaan iyagoo qafaal ah waad furataan, iyadoo ay xaaraan idinka tahay saariddoodu. Ee ma waxaad rumeyneysaan qaar ka mid ah Kitaabka oo ku gaaloobeysaan qaar? Ee muxuu yahay abaalka kuwa sidaas fala ee idinka mid ah aan ahayn in lagu dulleeyo nolosha adduunkan? Maalinta Qiyaamahana waxaa loo celin doonaa cadaabta tan u daran. Oo Allaah ma mooga waxa aad falaysaan.
  86. Kuwaasu waa kuwa siistay nolosha adduunkan qiima ahaan aakhirada, marka lagama khafiifin doono cadaabta loomana gargaari doono.
  87. Oo Waxaan dhabtii siinnay Muusaa Kitaabka [Towraadda], oo raacinnay Rusul is xigsata, oo Waxaannu siinnay Ciisaa wiilkii Maryam calaamooyin cad cad oo ku xoojinnay Ruuxul Qudus [Jabriil]. Ee mar kastoo uu idiin la yimaado Rasuul waxaysan naftiinnu jeclayn ma iska wayneysaan? Qaar aad beenisaan, qaarna aad dishaan.
  88. Oo waxay yiraahdeen, “Qalbiyadayada waa qufulan yihiin [ma maqlaan ama fahmaan hadalka Allaah].” Mayee, Allaah baa ku nacladay gaalnimadooda darteed, marka waa wax yar intay rumeeyaan.
  89. Oo marka uu u yimid [Yuhuudda] Kitaab [Qur’aankan] ka yimid xagga Allaah oo rumeynaya waxa ay haystaan [Towraadda iyo Injiilka], iyagoo awal hore ay ka baryayeen Allaah [imaanshaha Muxammad] si ay guusha uga yeeshaan kuwii gaaloobay, markiise uu u yimid kaasi ay garanayeen bay ku gaaloobeen, ee nacaladda Allaah dushooda ha ahaato gaalada.
  90. Maxay wax baas ahaatay waxa ay siisteen nafahooda, waa inay ku gaaloobaan waxa Allaah soo dajiyay [Qur’aanka] xasad darti in Allaah uu ku soo dejiyo Fadligiisa ciddii uu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Marka waxay la noqdeen caro loo geeyay caro, oo gaaladu waxay leeyihiiin cadaab duleysa.
  91. Oo marka lagu yiraahdo [Yuhuudda], “Rumeeya waxa Allaah soo dajiyay,” waxay yiraahdaan, “Waxaannu rumeyn waxa nalagu soo dajiyay.” Waxayna ku gaaloobaan waxa ka dambeeyay, isagoo xaq ah rumeynaya waxa ay haystaan. Ku dheh [Muxammadow], “Maxaad haddaba u disheen Anbiyada Allaah awal hore, haddii aad tihiin mu’miniin?”
  92. Oo wuxuu dhabtii Muusaa idiin la yimid xujooyin cad cad, ha yeeshee waxaad u sameysateen [inaad caabuddaan] dibi markii uu tagay kaddib idinkoo daalimiin ah.
  93. Oo [xusa] markii aan idinka qaadnay wacadka, oo korkiinna yeelay buurta [Annagoo leh], “Ku qaata waxa aan idin siinnay xoog [go’aan adag] oo maqla [hadalkayaga].” Waxay yiraahdeen, “Waan maqallay oo caasinnay.” Oo waxaa la cabsiiyay qalbiyadooda [jaceylka] dibiga [ay caabudeen] gaalnimadooda darteed. Dheh, “Waxaa baas leh waxa iimaankiinnu idin amrayo haddii aad tihiin mu’miniin.”
  94. Ku dheh, “Haddii daarta Aakhiro Allaah agti ah ay tahay mid idiin gaar ah oo ayan wax ku lahayn cid kale oo dadka ka mid ah, marka jeclaada dhimasho haddii aad run sheegaysaan.”
  95. Mase jeclaan doonaan [dhimasho] waligood, waxa ay geysteen gacmahoodu awgi, oo Allaah waa yaqaan daalimiinta.
  96. Oo waxaad hubaashii ka heli doontaa inay yihiin kuwa dadka ugu jecel oo ugu dadaal badan nolosha, [xitaa waxay ka sii nolol jecel yihiin oo uga dadaal badan yihiin] kuwa u shariig yeela Allaah. Mid walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siin lahaa nolol gaareysa kun sano. Siinta da’daa oo kale kama badbaadin doonto midkoodna xitaa wax yar oo cadaabta uu mudan yahay ah. Oo Allaah waa arkaa waxay ay falayaan.
  97. Dheh [Muxammadow], “Kii u ah cadow Jabriil [ha ku dhinto ciilkiisa],” waayo wuxuu xaqiiqdii ugu soo dajiyay [Qur’aankan] qalbigaaga Idanka Allaah, isagoo [Qur’aanku] rumeynaya wixii la soo dajiyay horti [Towraadda iyo Injiilka] oo u ah hanuun iyo bishaaro wanaagsan mu’miniinta.
  98. “Kii cadow u ah Allaah, Malaa’igtiisa, Rusushiisa, Jabriil iyo Miikaal, xaqiiqdii Allaah waa u cadow gaalada.”
  99. Oo Waxaan dhabtii kuugu soo dejinnay aayado cad-cad, oo kuma gaaloobaan [aayadahaa] waxaan ahayn faasiqiinta
  100. Mar kasta oo ay galaan axdi, waxaa tuura oo buriya qaar ka mid ah. Mayee! Badankoodu waxba ma rumeyn.
  101. Oo marka uu uga yimid Rasuul xagga Allaah [waa Muxammad] oo rumaynaya waxa ay haysteen [Towreedda], qaar ka mid ahi kuwii la siiyay Kitaabka [culimada Yuhuudda] waxay ka tuureen Kitaabka Allaah dhabarradooda gadaashood, sidii inayan garaneynba.
  102. Oo waxay raaceen [gaaladii Yuhuudda] wixii ay shayaadiinta akhriyaysay [sixirka beenta iyo baadilka ah] waayihii uu noolaa Sulaymaan. Mana gaaloobin Sulaymaan, laakiinse sheydaammada baa gaaloobay, waxay baraan dadka sixirka iyo wixii lagu soo dajiyay labadii malag ee Baabil Haaruut iyo Maaruut, mana baraan cidna [waxyaalahaa oo kale] jeer ay ku yiraahdaan, “Waxaannu innagu nahay oo keliya fidno [imtixaan], ee ha gaaloobin.” Waxayna ka bartaan waxa ay sababaan inay ku kala diraan nin iyo naagtiis, waxbase kuma ay yeeli karaan sidaasi cidna Idanka Allaah ma’ahee. Waxayna bartaan waxaa waxyeelaya oo aan wax u tarayn. Oo waxay dhabtii og yihiin [Yuhuuddu] in ciddii sixir barataa oo ka siista ku lahaan doonin wax saami ah Aakhirada. Maxayna wax xun tahay oo baas waxaa ay siisteen nafahooda, haddii ay ogaan lahaayeen.
  103. Oo haddii ay [Xaqa] rumayn lahaayeen, oo ka dhowrsan lahaayeen xumaha, abaalka ah xagga Rabbigood baa uga khayr badnaan lahaa, haddii ay ogaan lahaayeen.
  104. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ha ku orannina [Rasuulka] ‘raacinaa’ [erey labo weji loo adeegsan karo mid waa “Nasoo day,” midna waa “Keennii noogu xumaayow,” waxaana isticmaali jirey Yuhuudda laqdabo darteed marka Muslimiintooy ha orannina “Raacinaa”], dhahayase ‘undurnaa’ [na garansii] waxna maqla. Oo gaaladu waxay leeyhiin cadaab xanuun badan.
  105. Ma jecla kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu-Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] iyo mushrikiintaba in wax khayr ah la idiinka soo dejiyo xagga Rabbigiin. Wuxuuse Allaah ku gaar yeelaa Naxariistiisa oo u doortaa ciddii uu doono. Oo Allaah waa kan iska leh Galladda wayn
  106. Wixii ah Aayad [Waxyi, Kutub ka yimid xagga Allaah] aan nasakhno ama aan sababno in la illaawo, Waxaan keennaa mid ka wanaagsan ama la mid ah. Sow ma ogid in Allaah uu wax walba karo?
  107. Sow ma ogid in Allaah leeyahay mulkiga cirarka iyo dhulka? Oo ma lihidin Allaah sokadi wax wali ah [ilaaliye, wakiil, gacal], iyo gargaare midna
  108. Mise waxaad rabtaan inaad su’aashaan Rasuulkiinna [Muxammad] sidii Muusaa loo su’aalay awal hore [waa su’aashii aheyd na tus si caddaan ah Rabbigayo]. Kiina ku beddeshaa gaalnimo iimaan, xaqiiqdii wuxuu ka dhumay jidka toosan.
  109. Waxay jecel yihiin in badan oo ehlu-Kitaabka ah [Yuhuudda iyo Nasaarada] haddii ay idiin beddeli karaan iimaankiinna kaddib gaalo xasad darti ahaaday naftooda, kaddib markii uu xaqu u caddaaday. Ee iska cafiya iskana saamaxa, inta Allaah ka keenayo Amarkiisa. Xaqiiqdii, Allaah wax walba waa uu Karaa.
  110. Oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Zakada, wixii aad u hormarisaan naftiinna oo khayr ah, waxaad ka heleysaan Allaah agti. Hubaashii, Allaah waxa aad falaysaan waa arkaa.
  111. Oo waxay yiraahdeen, “Ma gali doono Jannada qof aan ahayni Yuhuud ama Nasaaro.” Taasi waa hididdiiladooda. Dheh [Muxammadow], “La kaalaya caddayntiinna haddii aad run sheegaysaan.”
  112. Kiise u hoggaamiya Wajigiisa [naftiisa] Allaah isagoo sama fale ah, wuxuu ku leeyahay abaalkiisu Rabbigi agti, kuwaasi oo kale ma ahaan doonto korkooda cabsi, mana murugoon doonaan.
  113. Yuhuudi waxay tiri, “Nasaaro waxba ma aha [oo kuma taagna diinta xaqa ah]” Nasaarana waxay tiri, “Yuhuuddu waxba ma aha [oo kuma taagna diinta xaqa ah]” iyagoo labaduba akhriyaan kitaabka [Towreed iyo Injiilba]. Hadalkoodaas oo kalena waxaa yiri [mushrikiinta Carbeed] aan wax ogayn. Allaah baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha wixii ay isku diiddanaayeen.
  114. Oo yaa ka dulmi badan kuwa diida in Masaajidda Allaah dhexdiisa lagu xuso Magaciisa, oo ka shaqeeya kharaabintooda? Ma ahayn wax habboon in kuwaasi oo kale ay galaan [Masaajidda Allaah] iyagoo cabsanaya ma’ahee. Kuwaasu waxay ku leeyihiiin adduunkan dulli, Aakhiradana cadaab wayn.
  115. Oo Allaah baa iska leh bari iyo buguxba [galbeed], meel kastoo aad u jeedsataan waxaa jira Wajiga Allaah [Allaahna waa sarreeyaa oo kor buu jiraa, Carshigiisa korkiisa]. Hubaashii, Allaah waa Waasic, Cilmi Badan.
  116. Waxay [Yuhuudda, Nasaarada, iyo mushrikiinta] yiraahdaan, “Allaah wuxuu yeeshay ilmo.” Ka nazahan [waana ka sarreeyaa dhammaan waxa ay u shariig yeelayaan]. Mayee Isaga baa leh waxa ku sugan cirarka iyo dhulka, oo kulligoodba Allaah bay u hoggaansan yihiin.
  117. Askumaha cirarka iyo dhulka, marka uu gooyo arrin, wuxuu oo keliya ku yiraahdaa, “Ahow!” waana ahaadaa.
  118. Oo waxay yiraahdeen kuwa aan wax ogayn, “Muxuu Allaah noola hadli waayay [fool ka fool] ama noogu iman weydey calaamo [mucjizo]?” Sidaas oo kale bay yiraahdeen kuwii ka horreeyay hadalkooda oo kale. Waxaa isu ekaaday qalbiyadooda. Waxaan dhabtii uga yeelnay wax cad Calaamooyinka qoonkii wax yaqiinsan.
  119. Waxaan Xaqiiqdii Annagu kugu soo dirnay [Muxammadow] Xaq, adigoo u bishaareynaya [mu’miniinta] oo u digaya [gaalada] waxnana lagaama weydiin doono ehlu-Naarka.
  120. Marnaba kaama raalli noqon doonaan [Muxammadow] Yuhuudda iyo Nasaarada jeer aad raacdo diintooda. Dheh, “Xaqiiqdii, Hanuunka Allaah, kaas baa ah hanuunka xaqa ah.” Haddiina aad adigu [Muxammadow] raacdo hawadooda kaddib wixii kuu yimid oo cilmi ah, kama heleysid xagga Allaah wax wali ah [ilaaliye, wakiil, gacal] iyo gargaare midna.
  121. Kuwa aan siinnay Kitaabka baa akhriya [macnaha adeeca amarradiisa oo raaca waxa uu amro] sida la doonayo in loo akhriyo [waa loo raaco], kuwaas baana rumeysan. Kiise ku gaalooba [Qur’aanka], waa kuwaas kuwa khasaaray.
  122. Ilmahii Israa’iiloow! Xusa Nicmaddeydii aan idiinku nicmeeyay iyo inaan idinka doortay Caalamiinta [dadkii iyo jinkii waayihiinii ahaa].
  123.  Oo iska jira Maalinta [Qiyaamaha] marka uusan qofi wax u tari doonin qofna, furashana aan laga aqbalayn, shafeecana aysan wax u tari doonin, aanna loo gargaari doonin.
  124. Oo [xus] marka uu Allaah ku imtixaanay Ibraahiim ereyo [amarro go’an], uuna oofiyay. Wuxuu [Allaah] ku yiri [Ibraahiim], “Waxaan xaqiiqdii kaaga dhigayaa dadka imaam.” [Ibraahiim] wuxuu yiri, “Iyo qaar ka mid ah durriyadeyda,” [Allaah] wuxuu yiri, “Axdigaygu [Nabinnimo iyo wixi lamid ah] ma gaaro daalimiinta.”
  125. Oo xus markii aan ka yeelnay Beydka [Kacbada ku taal Makkah] meel dadku ku kulmo oo aammin ah, oo ka yeesha idinka [dadow] Maqaamkii Ibraahiim meel lagu tukado [labada rakcadood ee Dawaafka]. Waxaannuna amarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil inay u daahiriyaan Beydkayga [Kacbada] kuwa ku dawaafaya, ama ku nagaya, iyo kuwa rukuucaya ee sujuudaya.
  126. Oo xus markii uu Ibraahiim yiri, “Rabbiyoow, ka yeel maagaladan [Makkah] beled aamin ah, oo ku irsaaq dadkeeda miro, kooda rumeeya Allaah iyo Maalinta Dambe [Qiyaamaha].” Wuxuu [Allaah] yiri, “Kan gaaloobana, waxaan u raaxeyn doonaa in yar, dabeeto waxaan badi doonaa cadaabta Naareed, waxaana guri baas oo ba’ay ahaaday rugtaa meel loo noqdo u xun.”
  127. Oo xus markii ay Ibraahim iyo [wiilkiisii] Ismaaciil kor u qaadayeen aasaaska Beydka [Kacbada iyagoo lahaa], “Rabbiyow! Naga aqbal [howshan] Waxaad xaqiiqdii Adigu tahay maqal Badanaha, Cilmiga Badan.
  128. “Rabbiyoow! Oo naga yeel kuwa kuu hoggaansan Adiga, qaar ka mid ah durrayaddaydana ka yeel ummad kuu hoggaansan, oo na tus manaasiktayada [dhammaan falalka iyo arrimaha la xiriira howlaha Xajka Iyo Cumrrada, iyo wixi lamid ah], oo aqbal toobadayada. Waxaad xaqiiqdii Adigu tahay Toobad Aqbal Badanaha, Naxariista Badan.
  129. “Rabbiyoow! Ka soo dhex bixi Rasuul ka mid ah [dhab ahaantiina Allaah waa ajiibay ducadoodii Isagoo u soo diray Muxammad], oo u akhriya Aayadahaaga oo bara Kitaabka [Qur’aanka] iyo Al-Xikmah [Sunnada] oo hufa. Waxaad xaqiiqdii Adigu tahay Awood Badanaha, Xikmadda badan.
  130. Oo yaa ka jeesada diintii Ibraahiim mid maahee xumeeyay naftiisa? Oo waxaan dhabtii ku doorannay adduunkan, oo xaqiiqdii, Aakhirada wuxuu ka mid yahay kuwa wanaagsan.
  131. Markii uu Rabbigi ku yiri, “Hoggaansan!” wuxuu yiri, “Waxaan u hoggaansamay Rabbiga uumanka.”
  132. Oo wuxuu u dardaarmay Ibraahiim arrintaas [Islaamka] ilmahiisii, oo Yacquub baa isna kula dardaarmay ilmahiisii [isagoo leh], “Maandhooyinoow! Allaah wuxuu idiin dooray diinta [xaqa ah] ee ha dhimannina idinkoo aan Muslim ahayn.”
  133. Mise waxaad aheydeen goob joog markii ay geeridu u timid Yacquub? Markii uu ku yiri ilmahiisii, “Maxaad caabudeysaan gadaashay?” Waxay yiraahdeen, “Waxaan caabudaynaa Ilaahaaga [Allaah] Ilaahii aabbayaashaa Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, oo Ilaah keliya ah, oo Isaga baannu u hoggansannahay.”
  134. Taasu waa ummad tagtay, waxay leedahay abaalka wixii ay kasbadeen, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbateen, mana la idin weydiinayo wixii ay faleen.
  135. Oo waxay yiraadeen, “Noqda Yuhuud ama Nasaaro [Kirishtaan] aad hanuuntaane.” Ku dheh [Muxammadow], “Mayee, [waxaan raaceynaa] oo keliya diintii Ibraahiim ee toosan, kamanuu mid ahayn mushrikiinta.”
  136. Dhahaya [Muslimiintooy], “Waxaan rumaynay Allaah iyo waxa naloo soo dajiyay iyo wixii loo soo dajiyay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub, iyo Al-Asbaad [labo iyo tobankii wiil ee Yacquub], iyo wixii la siiyay Muusaa iyo Ciisaa, iyo wixii laga siiyay Nabiyada xagga Rabbigood. Kala sooci meyno axad ka mid ah iyaga, oo Isaga [Allaah] baan u hoggaansannahay.”
  137. Ee haddii ay rumeeyaan sida aad u rumayseen oo kale, waa kuwo dhabtii hanuunsan, haddiise ay jeesadaan waxay ku sugan yihiin khilaaf fog, ee Allaah baa kaa kaafin doona, Waana Isaga Maqal Badanaha, Cilmiga Badan.
  138. Asliddayadu [diintayadu] waa aslidda [diinta], Allaah [Islaamka] ee asliddee [diintee] baa ka wanaagsan diinta Allaah? Innaguna Isaga [Keliya] baan caabudeynaa.
  139. Ku dheh [Muxammadow Yuhuudda iyo Nasaarada], “Ma waxaad nalaga doodaysaan arrinka Allaah Isagoo Isagu ah Rabbigayo iyo Rabbigiin? Oo waxaan leennahay oo nalaga jaazeyn acmaashayada, idinkana acmaashiinna. Innaguna Isaga baynu u keli yeeleynaa cibaadada.”
  140. Mise waxaad leedihiin Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub iyo Al-Asbaad [labo iyo tobankii wiil ee Yacquub] waxay ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh, “Ma idinka baa og mise Allaah? Oo yaa ka dulmi badan mid qariya marag agtiisa ah uu ka heysto Allaah? Oo Allaah ma mooga waxa aad falaysaan.”
  141. Taasi waa ummad tagtay. Waxay la kulmi doonaan abaalka wixii ay kasbatay, idinna waxa aad kasbataan, la idinmana weydiinayo wixii ay falayeen.
  142. Waxay oran doonaan maangaabyadu [Mushrikiinta, munaafiqiinta iyo Yuhuudda] ee ka mid ah dadka, “Maxaa ka jeediyay [Muslimiinta] qibladdoodii [xagga Qudus] ay qaabili jireen waqtiga salaadda?” Dheh [Muxammadow], “Allaah baa iska leh dhanka bari ay qorraxda ka soo baxdo dhanka galbeedba ee qorraxdu u dhacdo. Wuxuu ku hanuuniyaa ciddii uu doono Jid Toosan.”
  143. Sidaas baan idiinka dhignay ummad caadil ah [iyo tan u wanaagsan ummadaha], si aad marag ugu ahaataan dadka, oo Rasuulku [Muxammad] ugu ahaado marag korkiinna. Waxaana u yeelnay Qibladdii [aheyd xagga Qudus] aad u jeesan jirteen oo keliya si aan u kala muujinno kuwa raacaya Rasuulka [Muxammad] iyo kuwaa dib ugu noqonaya cirbahooda [oo gaaloobaya], waana arrin ku culus oo ku wayn kuwaa maahee uu Allaah hanuuniyay. Oo Allaah marnaba ma dhuminayo iimaankiinna [salaadahiinnii aad u tukateen xagga Qudus]. Xaqiiqdii Allaah waa Turid Badane, u Naxariis Badan dadka.
  144. Waxaan dhabtii aragnay u jeedinta Wajigaaga [Muxammadow] xagga samada. Ee Waxaan hubaashii kuu jeedinaynaa Qiblad aad ku raalli noqoneyso, ee u jeedi wajigaaga xagga Al-Masjid Al-Xaraam [Kacbada ku taal Makkah]. Meel kasta oo aad dadow joogtaanna, u jeediya wejiyadiinna [marka aad tukaneysaan] xagga jihadaa [Masjidka Xaramka, Kacbada]. Oo hubaashii kuwa la siiyay Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] waa og yihiin in [u jeesigiinna xagga jihada Kacbada ku taal Makka marka aad tukaneysaan] ay tahay xaq ka yimid xagga Rabbigood. Oo Allaah ma mooga waxa aad falaysaan.
  145. Oo haddii aad ula timaaddo ehlu-Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] Aayad kasta ma raacayaan Qibladdaada, Adiguna ma raacaysid qibladdooda. Qaarkoodna ma aha kuwo raacaya Qiblada qaarka kale. Haddiina aad raacdo hawadooda kaddib waxa kuu yimid oo cilmi [xagga Allaah ah], waxaad xaqiiqdii adigu ka mid ahaan daalimiinta.
  146. Kuwii aan siinnay Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] waxay u garanayaan [Muxammad ama Kacbada ku taal Makkah] sida ay u garanayaan caruurtooda. Oo xaqiiqdii qaar ka mid ah waxay qariyaan xaqa [sifaadka Muxammad ee ku yaal Towraadda iyo Injiilka] iyagoo ogsoon.
  147. Xaqu wuxuu ka yimid Rabbigaa, ee ha ka mid ahaan kuwa shakiya.
  148. Qolo walbaa waxay leedahay jiho ay dhowrto [oo raacdo waqtiga salaaddooda], ee u tartama xagga wixii wanaagsan oo dhan. Meel kasta oo aad joogtaanba, Allaah waa uu idin wada keeni [oo kulmin] doonaa idinkoo dhan. Xaqiiqdii, Allaah wax walba waa karaa.
  149. Meel kasta oo aad u baxdo, u jeedi Wajigaaga xagga Al-Masjid Al-Xaraam [ee ku yaal Makkah], taasi dhabtii waa xaq ka yimid xagga Rabbigaa, oo Allaah ma mooga waxa aad falaysaan.
  150. Meel kasta oo aad u baxdo u jeedi Wajigaaga xagga jihada al-Masjid al-Xaraam [ee ku yaal Makkah], meel kastoo aad joogtaanna u jeediya wejiyadiinna jihada al-Masjid al-Xaraam [marka aad tukaneysaan] si aanay dadku idiinku helin wax xujo ah marka laga reebo kuwaa dulmiga fala, ee haka baqina, ee iga baqa Aniga oo Keliya. Waana si aan idiinku taam yeelo Nicmaddayda korkiinna, iyo inaad hanuuntaan.
  151. Sidaas oo kale [si aan idiinku taam yeelo Nicmaddeyda korkiinna] waxaan soo dirnay dhexdiinna Rasuul [Muxammad] idinka mid ah oo idiin akhriyaya Aayadahayaga [Qur’aanka] oo idin daahirinaya, oo idin baraya Kitaabka [Qur’aanka] iyo Xikmadda [Sunnada], oo idin baraya wax aydaan aqoon jirin.
  152. Ee i xusa Aniga, aan idin xusee, igu shukriya oo marnaba ha iga abaal dhicina.
  153. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Kaalmaysta sabarka iyo salaadda. Xaqiiqdii! Allaah wuxuu la jiraa kuwa sabra.
  154. Oo ha dhihina kuwa lagu dilo jidka Allaah [Jihaadka], “Waa dhinteen.” Mayee, waa nool yihiin, laakiinse ma dareemeysaan.
  155. Oo waxaan hubaashii idinku imtixaani doonnaa wax xoogaa cabsi ah, gaajo, nusqaamin maalka iyo nafaha iyo mirahaba ah, ee u bishaaree kuwa sabra.
  156. Kuwa marka ay ku dhacdo masiibo yiraahda, “Allaah baa na leh oo innagu Xaggiisa baan u noqoneynaa.”
  157. Kuwaas waxaa korkooda ah Barakooyin [iyo dembi dhaaf] xagga Rabbigood ah iyo Naxariis, waana kuwaas kuwa hanuunsan.
  158. Xaqiiqdii! as-Safaa iyo al-Marwa [laba buurood oo ku yaal Makkah] waxay ka mid yihiin Calaamooyinka [Waynaynta] Allaah, ee qofkii u soo Xajiyaa ama u soo Cimraystaa Beydka [Kacbada ku taal Makkah] ma aha danbi korkiisa inuu gutaa sacyiga [wareegaaleysiga] dhexdooda ah, kii kastoona falaa kheyr iskiis ah, xaqiiqdii, Allaah waa Shukriye, Cilmi Badan.
  159. Xaqiiqdii, kuwa qariya waxa aan soo dejinnay oo xujooyinka cad cad ah, iyo hanuunka, kaddib markii aan ugu caddaynay dadka Kitaabka dhexdiisa, kuwaas waxaa naclada Allaah, oo waxaa naclada inta wax naclada [mu’mininta iyo malaa’igta].
  160. Marka laga reebo kuwa toobad keena ee fala camallo wanaagsan oo suubban, oo si cad u muujiya [xaqii ay qariyeen]. Kuwakani, waa aan ka aqbali doonaa toobadooda. Aniguna waxaan ahay Toobad aqbalaha, Naxariista Badan.
  161. Xaqiiqdii, kuwa gaaloobay, oo dhinta iyagoo gaalo ah, kuwaas waxaa korkooda ah Nacladda Allaah, iyo malaa’igta iyo dadka oo dhan.
  162. Waxayna ku waari doonaan dhexdeeda [Naarta iyo Nacladda], lagamana fududeeyo cadaabta, oo lama siiyo kansho.
  163. Oo Ilaahiinnu waa ilaah keliya [Allaah], ma jiro ilaah xaq u leh in la caabudo oo aan isaga ahayn, Naxariistaha, Naxariista Badan.
  164. Xaqiiqdii, abuuridda cirarka iyo dhulka iyo is-dhaafka habeenka iyo maalinta, iyo doomaha la dhex mara badda waxa anfaca dadka, iyo waxa Allaah uu kasoo dejiyo cirka oo biyo ah uu ku nooleeyo dhulka dhimashadiisa kaddib, iyo waxa uu ku furdhiyay dhulka oo nafley nuuxnuuxsata ah, iyo gadgaddoonka dabaylaha, iyo daruuraha lagu hayo cirka iyo dhulka dhexdooda, waxaa ugu sugan Aayaado qoonkii wax fahmaya.
  165. Oo waxaa kamid ah dadka kuwo sameysta Allaah sokadi wax lala caabudo oo ay la mid dhigaan, waxay u jecel yihiin sida ay u jecel yihiin Allaah. Kuwase [Xaqa] rumeeyay waxay jecel yihiin Allaah in ka badan [wax kale oo dhan]. Haddii oo keliya, kuwaa fala dulmiga [shirkiga iyo macaasida] arki lahaayeen, marka ay arki doonaan cadaabka [Aakhiro] waxay ogaan lahaayeen in awood oo dhan uu leeyahay Allaah, iyo in Allaah ay daran tahay cadaabtiisu.
  166. Marka ay kuwii la raacay iska beri yeelaan kuwii raacay, oo ay arkaan cadaabta, kalana go’o xiriirkoodii.
  167. Kuwii raacayna waxay oran doonaan, “Haddii oo keliya aan lahaan lahayn hal fursad aan ugu laabanno [noloshii adduunka] waan iska bari yeeli lahayn, sida ay iska kaanna beri yeeleen.” Sidaas buu Allaah u tusi doonaa camalladooda oo qoomammo ku ah. Marnabana kama bixi doonaan Naarta.
  168. Dadow! Cuna waxa dhulka ku sugan oo xalaasha wanaagsan ah, oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaan, xaqiiqdii wuxuu idiin yahay cadow iska cad.
  169. [Shaydaan] wuxuu idin amraa oo keliya wixii ah xumaan iyo dambi, iyo inaad ka sheegtaan Allaah wax aydaan ogeyn.
  170. Oo marka lagu yiraahdo [gaalada], “Raaca waxa uu soo dajiyay Allaah.” Waxay yiraahdaan, “Mayee! Waxaannu raaceynaa wixii aan hellay aabbayaashayo oo [raacaya].” [Ma waxay raacayaan] walow aysan aabbayaashood wax garaneyn, oo ayan ahayn kuwo hanuunsan?
  171. Tusaalaha kuwa gaaloobay waa sida mid u dhawaaqaya [xoolaha] aan wax maqlayn qaylada iyo dhawaaqa maahee. Waa dhega-la’ yihiin, oo af-la’ yihiin, oo indha-la’ yihiin, marka wax ma gartaan.
  172. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Wax ka cuna waxyaalaha xalaasha ah oo aan idinku irsaaqnay, oo ku shukriya Allaah, haddii aad tihiin kuwo Isaga [Keliya] caabudaya.
  173. Wuxuu sideedaba idinka xaaraameeyay xoolaha baqtiyay, dhiigga iyo hilibka doofaarka, iyo wixii loogu gowracay hadyi ahaan waxan ahayn Allaah [ama loo gawracay sanammo, iyo wixii aan Magaca Allaah lagu xusin markii la gowracayay]. Qofkiise ay dani ku kallifto isagoo ayan caasin ka ahayn oo aan xad gudbeyn, ma jiro wax danbi ah oo saaran korkiis. Xaqiiqdii Allaah waa Dambidhaaf-Badane, Naxariis Badan.
  174. Xaqiiqdii, kuwa qariya waxa Alle soo dajiyay oo ka mid ah Kitaabka, oo siista qiimo yar [oo adduun ah] kuwaas kuma cunayaan oo ma galinayaan caloolahooda wax kale dab maahee. Lamana hadlo Allaah Maalinta Qiyaamaha, mana daahiriyo, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.
  175. Kuwaasu waa kuwa ku iibsaday habowga Hanuunka cadaabtana Dambidhaafka, ee maxaa uga dheereyn badan Naarta.
  176. Taasi waa inuu Allaah ku soo dajiyay Kitaabka [Qur’aanka] xaq, oo xaqiiqdii, kuwa isku khilaafay Kitaabka waxay ku sugan yihiin khilaaf fog.
  177. Ma aha al-Birr [samafal, toosnaan, baarrinimo, iyo wixi lamid ah] inaad u jeedisaan wejiyadiinna dhanka qorrax soo baxa iyo [ama] dhanka qorrax dhaca [salaadda gudaheed], laakiinse al-Birr [baarrinimadu, samaantu, toosnaantu] waa [sifada iyo tilmaanta] qofkii rumeeya Allaah, Maalinta Dambe [Aakhirada], malaa’igta, kutubta [Alle], Nabiyada, oo siiya maalkiisa isagoo jecel qaraabada, agoonta, masaakiinta, iyo tub ku joogaha [musaafirka jiscinkii ka go’ay], iyo kuwa wax weydiista, oo xoreeya qoor, oo ooga salaadda, oo bixiya Sakada, oo oofiya ballantooda marka ay ballan galaan, oo sabra [adkeysta] waqtiga ay ku jiraan faqriga iyo jirrada iyo waqtiyada dagaalka. Kuwaasi waa kuwa ka run sheegay iimaankooda, waana kuwaas kuwa ka cabsada Allaah.
  178. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Waxaa la idinku waajibiyay Qisaas xaaladda dilka, xorta xor, addoonkana addoon, dheddigtana dheddig. Qofkiise ay xigtadu [ama midkood] la qaraabada ah [qofka la dilay] ay ka cafiyeen walaalkood [dilaha] wax uun [aqbalaan inaan la dilin dilaha oo oggolaadaan inay qaataan diyo dilalka ula-kaca ah] markaa xigaalada [ruuxii la dilay] waa inay u weydiistaan diyada si wanaagsan oo sharaf leh, dilahuna waa inuu u bixiyaa oo u gudaa si wanaagsan oo sharaf leh. Tani waa fududeyn iyo naxariis xagga Rabbigiin ah, ee qofkii xadgudbaa intaas kaddib [macnaha waa dila kii wax dilay kaddib markii uu qaatay diyada], wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.
  179. Oo waxaa idiinku sugan Qisaaska nolol dadka waxgaradkow, si aad u dhowrsataan.
  180. Waxaa la idinku waajibiyay marka uu mawdku u soo dhowaado midkiin, haddii uu ka tago maal inuu u sameeyo dardaaran waaladkiis iyo qaraabada xigta, si wanaagsan oo la yaqaan ah. [Tani waa] waajib la saaray kuwa ka cabsada Allaah.
  181. Qofkiise beddela dardaarankaa inta uu maqlay kaddib, dembigu wuxuu saaran yahay kuwa wax beddela. Xaqiiqdii, Allaah waa Maqal Badane, Cilmi Badan.
  182. Qofkiise uga cabsada dardaarme eex ama danbi oo hagaajiya dhexdooda, ma saarna danbi korkiisa. Xaqiiqdii Allaah waa Dembidhaaf-Badane, Naxariis Badan.
  183. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Waxaa la idinku waajibiyay Soon, sidii loogu waajibiyay kuwii idinka horreeyay, si aad u dhowrsanaataan.
  184. [Soonku] waa maalmo tirsan, ee qofkii idin kamid ah ee buka ama safar ah, waxaa korkiisa ah maalmo kale soonkood. Xagga kuwa uu soonku dhibayo [sida qof da’ ah, haweeney uur leh ama ilmo nuujineysa, iyo wixi lamid ah] waxaa la siiyay [akhyaar inay soomaan ama] quudiyaan qof sabool ah [beddelka maalin kasta ay afuraan]. Qofkii falaa wanaag [kheyr badsi] iski ah, isaga bay u roon tahay. Inaad soontaan baana idiin khayr badan haddii aad og tihiin.
  185. Bisha Ramadaan ee lasoo dajiyay dhexdiisa Qur’aanka isagoo hanuun u ah dadka iyo xujooyin cad oo hanuunka ah, iyo kala saarid [xaqa iyo baadilka], ee qofkii idinka mid ah ee arkaa bisha isagoo jooga degaankiisa [oo caafimaad qaba] waa inuu soomo, kiise buka ama safar ah waxaa saaran isla tiradii [maalmahii uusan soomin oo uu gudo] maalmo kale. Allaah wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays. Waana inaad kaamishaan tirada [maalmaha] oo wayneysaan Allaah, inuu idin hanuuniyay darteed, iyo bal inaad shukridaan.
  186. Oo marka ay addoomahaygu ku weydiiyaan [Muxammadow] arrinkeyga, Waxaan xaqiiqdii Anigu ahay mid u dhow. Waxaan ajiibaa baryada baryootamaha, marka uu ii yeerto [dhexeeye ama shafeece la’aan], ee ha i adeeceen hana i rumeeyeen, si ay u hanuunaan.
  187. Waxaa la idiin banneeyay inaad u galmootaan [afooyinkiinna] habeenka soonka. Waxay idin yihiin libaas [hu, dhar, gaashaan ama wax lagu xasilo], idinkuna libaas baad u tihiin. Allaah waa og yahay inaad khiyaamayseen naftiinna, waana idinka toobad aqbalay oo idin cafiyay. Ee haatan u galmooda oo doona waxa Allaah idiin qoray [oo durriyad ah], oo cuna oo cabba ilaa liilanka cad [iftiinka] waabarku idiinka caddaado liilanka madow [mugdiga habeenka], kaamilana soonka ilaa gabbal dhaca. Oo ha u galmoonnina [afooyinkiinna], idinkoo ku jira Ictikaaf masaajidda gudahooda. Kuwakani waa xuduudaha [uu dhigay] Allaah ee ha u dhowaanina. Sidaas buu Allaah ugu caddaynayaa Aayadihiisa dadka si ay u dhowrsadaan.
  188. Oo ha ku cunina maalkiinna dhexdiinna si xaq darro ah, idinkoo u dhiibaya laaluush xukaamta [qaalliyayaasha intaydaan soo bandhigin ammahiinna] si aad ugu cuntaan wax ka mid ah maalka dadka danbi idinkoo og.
  189. Waxay wax kaa weydiiyaan [Muxammadow] bilaha cusub. Dheh, “Waa calaamooyin u tilmaama muddooyin xaddidan oo waqtiyo ah dadka iyo xajka. Oo ma aha Al-Birr [suubbanaan, samaan, toosnaan, baarrinimo, wanaagsanaan] inaad ka soo gashaan guryaha xagga duleedka ee al-Birr [waa tilmaanta qofka] ka cabsada Allaah, oo ka gala guryaha albaabbadooda, oo ka cabsada Allaah si aad u liibaantaan.”
  190. Oo kula dirira Jidka Allaah kuwa idinla dirira, oo ha xadgudbina. Xaqiiqdii, Allaah ma jecla xadgudbayaasha.
  191. Oo ku dila meeshii aad ka heshaanba, kana saara meeshii ay idinka saareenba. Fidmada baana ka daran dilka. Oo ha kula diririna al-Masjid al-Xaraam agtiisa in maahee ay iyugu [marka hore] idinkula diriraan. Haddiise ay idinkula diriraan la dirira, waa sidaas jaasada gaalada.
  192. Haddiise ay meel joogaan, Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
  193. Oo la dirira ilaa ay jirin wax dambe oo Fidmo ah [shirki, gaalnimo, iyo wixi lamid ah] iyo jeer [dhammaan iyo nooc walba] oo cibaado ah uu yeesho Allaah [Keliya]. Haddiise ay meel joogaan, waa inaan la colaadin waxaan ahayn daalimiinta.
  194. Bisha caaggani waxay u go’daa bisha caaggan, waxyaalaha reebbanna waxaa jira qaanuunka simidda [Qisaaska], ee qofkii waxa reebban [caaggan] idiin ku soo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in la mid ah intii uu idinku xadgudbay. Oo ka cabsada Allaah, oo ogaada inuu Allaah la jiro kuwa ka cabsada oo dhowrsada.
  195. Oo wax ku bixiya jidka Allaah [jihaadka nooca uu ahaadaba, iyo wixi lamid ah] oo ha ku tuurina gacmahiinna tahluko, oo sama fala, Xaqiiqdii, Allaah waa jecel yahay sama-falayaasha.
  196. Oo u dhammeystira Xajka iyo Cumrada Allaah darti. Haddiise la idinka xannibo [dhammeystirkooda], gowraca Hadyi [neef xoolo ah oo] wixii aad heli kartaan ah, oo ha xiirina timihiinna jeer hadyigu gaaro meesha gowraca. Kiinnii idinka mid ah oo bukana ama ka qaba cudur oogada madaxiisa [oo qasbeysa xiiridda], waxaa saaran fidyo ah soomid [seddex maalmood] ama bixin sadaqo [quudin lix qof oo sabool ah] ama gowrac [neef ari ah], markaadse aamin noqotaan, kiinnii gutaa Cumrada bilaha Xajka [Xajka nooca ah Tamattuc iyo Qiraan], waa inuu gowracaa Hadyi wixii uu heli karo ah, haddiise uusan heli karin, waa inuu soomaa seddex maalmood inta lagu jiro Xajka iyo toddoba maalmood kaddib marka uu ku noqdo [gurigiisii], intaasi waa toban buuxda. Sidatani waa kii aysan reerkiisu joogin al-Masjid al-Xaraam [oo aanay deggeneyn Makkah]. Oo ka cabsada Allaah, oo ogaada inuu Allaah ciqaab daran yahay.
  197. Xajku waa bilo la yaqaan [Shawaal (Soon-Fur), Dul-Qacdah (Sidataal) iyo tobanka maalmood ee hore ee bisha Dul-Xijjah (Arrafo), labo bilood iyo toban maalmood], ee kii goosta inuu guto Xaj dhexdooda [isagoo xirtay ixraamkii] markaa waa inuusan la galmoon [xaaskiisa], oo uusan galin dambi, gardarrona ku doodin inta lagu jiro Xajka, wixii khayr ah oo aad fashaanna [yaqiinsanaada] Allaah waa ogyahay, ee qaata sahay [la jirkiin] socdaalkaa, sahayada wanaagsanna waa taqwada. Oo iga cabsada, dadka waxgaradka ahow!
  198. Ma aha korkiinna wax dembi ah haddii aad doonataan deeqda Rabbigiin [xajka gudahiisa oo aad ku sameysaan ganacsi, iyo wixi lamid ah], ee markii aad kasoo dareertaan Carafaat, ku xusa Allaah Mashcaril-Xaraamka agtiisa. Oo xusa [idinkoo ka baryaya Allaah wixii wanaagsan oo dhan] sidii uu idiin hanuuniyayba, waxaadna aheydeen kani hortiis qaar kamid ah kuwa dhunsan.
  199. Dabadeedna ka dareera meesha uu dadku ka dareero, oo weydiista Allaah cafiskiisa, Xaqiiqdii, Allaah waa Dambidhaaf Badane, Naxariis Badan.
  200. Oo marka aad dhammeysataan manaasiktiinna [acmaasha Xajka] Xusa Allaah sida aad u xustaan aabbayaashiinnii hore ama xusid ka badan. Waxaa kamid ah dadka mid yiraahda, “Rabbiyow! Nagu sii adduunkan wanaag,” aan ku lahayn Aakhirada wax saami ah.
  201. Oo waxaa ka mid ah mid yiraahda, “Rabbiyow! Nagu sii adduunka wanaag, Aakhirana wanaag, oo naga badbaadi cadaabta Naarta.”
  202. Kuwaasi waxay leeyihiin saami waxa ay kasbadeen ah, oo Allaah waa ku Dhakhso Badan yahay xisaabta.
  203. Oo xusa Allaah inta lagu jiro maalmo tirsan oo cayiman [seddexda maalmood ee ka dambeeya Ciidda Carrafo]. Qofkiise degdega si uu u tago labo maalmood gudahood, ma jiro wax danbi ah oo saaran, qofkii haraana, ma jiraan wax danbi ah oo saaran, haddii ay ujeeddadiisu tahay inuu falaa wanaag, oo ka cabsada Allaah, oo ogaada in hubaashii xaggiisa la idiin soo kulmin doono.
  204. Oo waxaa kamid ah dadka mid uu ku cajab galin [Muxammadow] hadalkiisu noloshan adduunka, oo marag gashan Allaah waxa ku jira qalbigiisa, isagoo ah kan u muranka badan colka.
  205. Oo marka uu ka jeesado [xaggaaga Muxammadow socda dhulka si uu ugu falo fasahaad dhexdiisa oo u baabbi’iyo tallaalka iyo taranka, oo Allaah ma jecla fasahaadka.
  206. Oo marka lagu yiraahdo, “Ka cabso Allaah,” ay u geyso qabwayni danbi [hor leh oo badan]. Waxaa ku filan Naarta Jahannama, iyada baana u xun gogol.
  207. Oo waxaa kamid ah dadka mid gadaya naftiisa isagoo doonaya Raallinnimada Allaah, oo Allaah waa u Turid Badan yahay addoomaha.
  208. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! U soo gala si wanaagsan Islaamka [idinkoo adeecaya dhammaan xeerarka iyo sharciyada diinta Islaamka] oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaan. Xaqiiqdii, wuxuu idiin yahay cadow iska cad.
  209. Haddii aad dib u sidbataan kaddib markii ay Aayadaha cadcad [Nabi Muxammad iyo Qur’aanka] idiin yimaadeen, ogaada inuu Allaah yahay Awood Badane, Xikmad Badan.
  210. Miyay sugayaan waxaan ahayn in Allaah ugu yimaado hoos daruuro ah iyo malaa’igtuba oo la xukumo arrinka? Xagga Allaah baana loo celiyaa umuuraha.
  211. Weydii ilmahii Israa’iil intee baan Aayado cad siinnay, oo ciddii beddesha Nicmadda Allaah inta ay u timid kaddib [oo ka baxa Diinta Islaamka oo aqbala gaalnimo], hubaashii, Allaah waa ciqaab daran yahay.
  212. Waxa loo qurxiyay kuwa gaaloobay noloshan adduunkan, waxayna ku jeesjeesaan kuwa [Xaqa] rumeeyay. Kuwase adeeca Allaah oo ka jooga waxa uu reebay, iyaga baa ka sarreyn Maalinta Qiyaamaha. Oo Allaah wuxuu irzaaqaa ciddii uu doono xisaab la’aan.
  213. Dadku wuxuu ahaa ummad keliya, Wuxuuna Allaah u soo diray Nabiyo u bishaareeya oo u diga, Wuxuuna lasoo diray Kitaabka oo xaq ah si uu ugu kala xukumo dadka dhexdooda arrimaha ay isku khilaafaan, iskumana khilaafin waxaan ahayn kuwii [Kitaabka] la siiyay kaddib markii ay u yimaadeen xujooyinka cadcad xasad dhexdooda ah dartiis. Wuxuuna Allaah Idankiisa ugu hanuuniyay kuwii rumeeyay xaqa wixii ay gudahooda isaga khilaafeen. Oo Allaah wuxuu ku hanuuniyaa ciddii uu doono Jid Toosan.
  214. Mise waxaad mooddeen inaad gali doontaan Jannada iyagoo aan idiin imaanin wixii ahaa imtixaanno iyo jarribaadyo ee u yimid kuwii tegay ee idinka horreeyay? Waxaa ku dhacay oo asiibay baahi iyo xanuunno oo la gilgilay ilaa uu Rasuulku iyo kuwii rumeeyay oo la jiray yiraahdeen, “Waa goorma Gargaarka Allaah?” Hubaashii Gargaarka Allaah waa dhow yahay.
  215. Waxay ku weydiinayaan [Muxammadow] waxa ay tahay inay bixiyaan. Dheh, “Wixii aad bixisaan oo khayr ah waxaa mudan waalidiinta, qaraabada, agoonta, masaakiinta iyo tub-ku-joogaha [masaafurka jiscinkii ka go’ay], oo waxaad fashaan oo khayr ah, xaqiiqdii Allaah waa ogyahay.
  216. Waxaa la idinku farad yeelay [Muslimiintooy] dagaalka [Jihaadka] idinkoo neceb, waxaana laga yaabaa inaad wax nebcaataan isagoo khayr idiin ah, iyo inaad wax jeclaataan isagoo shar idiin ah, oo Allaah baa og ee idinku ma ogidin.
  217. Waxay wax kaa weydiinayaan in la diriro bilaha caaggan gudahood [Muxarram, Rajab, Dul-Qacdah, iyo Dul-Xijjah]. Dheh, “In la diriraa oo dagaal la galo bilahaa gudahood waa [xad-gudub] wayn, waxaase kasii daran oo xad-gudub kasii wayn ah in laga hor istaago dadka Jidka Allaah, oo lagu gaaloobo, iyo in aad ka celiso dadka galidda al-Masjid al-Xaraam [ee ku yaal Makkah], oo laga saaro dadkeeda deggan, oo fidmadaa ka daran dilka. Marnabana ma dayn doonaan [gaaladu] la-dirirkiinna jeer ay dib idiinka celiyaan diintiinna [Islaamka] haddii ay awoodaan. Oo qofkii idin kamid ah oo ka noqda diintiisa oo dhinta isagoo gaal ah, kuwaasi waa kuwa ay bureen camalladooda adduunka iyo aakhiradaba, kuwaasina waa ehlu-Naar, waana ku waarayaan dhexdeeda weligood.”
  218. Xaqiiqdii, kuwa [Xaqa] rumeeyay, iyo kuwa u soo haajiray [Allaah darti] oo ku jihaaday Jidka Allaah, dhammaan kuwakani waxay rajeynayaan Naxariista Allaah. Oo Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  219. Waxay ku weydiinayaan [Muxammadow] wax ku saabsan Khamrada iyo Qamaarka. Dheh, “Waxaa ku sugan danbi wayn iyo [xoogaa] manaafacaad ah oo ay u leeyihiin dadka, dambigooda baase ka wayn nafcigooda.” Oo waxay ku weydiinayaan waxa saaran inay bixiyaan. Dheh, “Bixiya wixii dheeri idinku ah oo ka baxsan baahidiinna.” Sidaas buu Allaah idiinku caddaynayaa Aayadahiisa si aad uga fakartaan.
  220. Noloshatan adduunka iyo Aakhiraba’e, oo waxay ku weydiinayaan wax ku saabsan agoomaha. Dheh, “Inaad ugu shaqeyso si daacad ah hantidooda baa khayr badan, haddiina aad ku dartaan arrimahiinna tooda, waa walaalihiin. Oo Allaah waa og yahay kan isagu wax bi’in [ee doonaya inuu dhumiyo hantidooda] iyo kan isagu u jeeda wanaag [inuu u dhaqaaleeyo hantidooda]. Haddiina uu Allaah doono, wuxuu idin hor dhigi lahaa dhibaatoooyin. Xaqiiqdii Allaah waa Awood Badane, Xikmad badan.
  221. Oo ha guursannina haweenka mushrikadaha ah jeer ay rumeeyaan, addoomad mu’minad ah baana ka wanaagsan mushrikad xor ah haba idin cajabisee. Oo ha u guurinnina [gabdhihiinna] ragga mushrikiinta ah jeer ay rumeeyaan. Xaqiiqdii, addoon mu’min ah baa ka wanaagsan mushrik xor ah haba idin cajabiyee. Kuwan Mushrikiinta ah waxay idiinku yeerayaan Naar, oo Allaah wuxuu idiinku yeerayaa Janno iyo dambi-dhaaf Idankiisa, oo wuxuu u caddaynayaa Aayadahiisa dadka si ay u xusaan.
  222. Oo waxay ku weydiinayaan arrin ku saabsan xaylka [dhiigga dumarku bishiiba kol helo, dhiigga caadada]. Dheh, “Waa wax dhibaato iyo waxyeello u leh ninka [inuu la galmoodo afadiisa iyadoo qabta dhiigga caadada], sidaa awgeed ka fogaada haweenka waqtiga xaylka, oo ha u tegina jeer ay ka daahir noqdaan [dhiigga caadada oo ka meyrtaan]. Markii ay daahiriyaanna naftooda, uga galmooda meesha uu Allaah idin amray. Xaqiiqdii, Allaah waa uu jeceyl yahay kuwa Toobad keenka Badan, waana uu jecel yahay kuwa is-daahiriya.”
  223. Afooyinkiinna waxay idiin yihiin beer, ee ugu taga beertiinna markii iyo sidii aad doontaanba, oo u hormarsada naftiinna [khayr, ama ka barya Allaah inuu idin siiyo durriyad wanaagsan]. Oo ka cabsada Allaah, oo ogaada inaad Allaah la kulmaysaan, oo u bishaaree [Muxammadow] mu’miniinta.
  224. Oo ha uga yeelina [ku dhaarashada Magaca] Allaah cudur daar ahaan inaydaan falin samaan oo u dhaqmin si suubbanaan ah, iyo inaydaan ka talin samo dadka dhexdiisa. Oo Allaah waa Maqal Badane, Cilmi Badan.
  225. Idiin ma qabanayo Allaah wixii aan niyad idinka ahayn oo dhaarihiinna ah, laakiinse wuxuu idiin qabanayaa waxay kasabtay qalbiyadiinnu. Oo Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
  226. Kuwa ka dhaarta xaasaskooda [ilaa iyo muddo] waxaa la sugayaa afar bilood, haddii ay ka soo noqdaan [arrintaa intay ku jiraan muddadaa], xaqiiqdii Allaah waa Dambidhaaf-Badane, Naxariis Badan.
  227. Haddiise ay goostaan furid, Allaah waa Maqal Badane, Cilmi badan.
  228. Oo haweenka la furay [aan uurka lahayn, dhiigga caadadana hela] waa inay u sugaan [guursigooda] saddex dhiig [caado], umana bannaana inay qariyaan wax uu Allaah ku abuuray riximyadooda, haddii ay rumeysan yihiin Allaah iyo Maalinta Dambe. Nimankooda baana u xaq leh inay soo ceshadaan muddadaas dhexdeeda, haddii ay rabaan heshiis. Waxay [haweenkuna] ku leeyihiin xuquuq [nimankooda oo ah masruuf, marasho iyo wixi lamid ah] sida ay [nimankuba xuquuq ugu leeyihiin] korkooda haweenka [ee la xiriira adeecidda, maqalka, ka dambaynta, ixtiraamka ninka, iyo wixi lamid ah] oo wixii gar ah, raggase baa leh darajo [mas’uuliyad ah] korkooda [haweenka]. Oo Allaah waa Awood Badane, Xikmad Badan.
  229. Furiddu waa labo jeer, intaas kaddib, ama waa haysasho fiican oo la yaqaan, ama sii deyn fiican oo la yaqaan. Oo idiinma bannaana [raggow] inaad dib uga qaadataan wixii aad meher siiseen, in maahee ay labada dhinac ka cabsadaan inay oogi waayaan xuduudaha Allaah dhigay, haddii aad ka cabsataan inay dhowri waayaan xuduudaha Allaah, markaa ma saarna wax dembi midkoodna haddii ay u celiso haweentu [meherkii ama qayb ka mid ah] khulci [is-furasho] ahaan. Kuwakani waa xuduudaha uu faral yeelay Allaah, ee ha ku xadgudbina. Oo qofkii ku xadgudbaa xuduudaha uu faral yeelay Allaah, waa kuwaas daalimiinta.
  230. Haddii uu furo [mar seddexaad] uma bannaana wixii taa ka dambeeya jeer ay guursato nin kale, haddii uu [ninkaasi kale] furo, ma saarna wax danbi ah labadoodaba [iyada iyo ninkeedii hore ee seddex dalqadood mar hore ku furay] inay isku noqdaan [is-guursadaan], haddii ay dareemaan inay dhowri karaan xuduudaha uu dhigay Allaah. Kuwakani waa xuduudaha Allaah, wuxuuna u caddaynayaa qoonkii wax ogsoon.
  231. Oo haddii aad furtaan haweenka, oo ay gaaraan ajasha muddadooda magacaaban ah ee loo qabtay, ama u soo ceshada si wanaagsan oo la yaqaan ama u sii daaya si wanaagsan oo la yaqaan. Hase u soo ceshannina inaad u geysataan dhibaato si aad u xadgudubtaan, ninkii sidaas falaana, wuxuu dulmiyay naftiisa. Oo ha ka dhigannina Aayadaha [Xeerarka] Allaah cayaar, oo xusa Nicmada Allaah korkiinna [Islaamka], iyo waxa uu [Allaah] idinku soo dajiyay oo Kitaabka ah [Qur’aanka] iyo Xikmadda [Sunnada Nabiga] oo uu idinku waaniyo, oo ka cabsada Allaah, oo ogaada in Allaah wax walba og yahay.
  232. Oo haddii aad furtaan haweenka oo ay gaaraan ajasha muddadooda magacaaban ah ee loo qabtay, ha ka hor istaagina guursiga nimankoodii [hore], haddii ay si la yaqaan raalli isugu yihiin. [Arrinkan] waa mid lagu waaninayo cid kastoo idinka mid ah ee rumeysan Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhirada]. Sidaas baa idiin wanaagsan oo idiin daahirsan. Oo Allaah baa og ee idinku ma ogidin.
  233. Hooyooyinku waxay nuujinayaan carruurtooda labo sano oo kaamil ah, ciddii dooneysa inay taam yeesho muddada nuujinta, oo kan ilmaha loo dhalay waxaa saaran masruufka hooyada iyo marashadeeda oo gar ah. Ma saarno nafna wixii ay awooddo maahee. Hooyona waa inaan la dhibin oo loola dhaqmin si xun ilmaheeda dartood iyo aabbaha ilmaha dhalay midna, [aabbaha] warasadiisana waxaa saaran wax la mid ah [wixii saarnaa aabbaha]. Haddii ay [aabbaha iyo hooyada] doonaan ka goynta naaska si ay raalli isaga yihiin wada tashi kaddib, ma jiro wax dembi ah oo saaran korkooda. Haddiina aad u doontaan hooyo nuujiso ah oo kale carruurtiinna, ma jiro wax dembi ah oo saaran korkiinna, haddii aad siisaan [hooyada] wixii aad ku heshiiseen [inaad siisaan] oo si la yaqaan ah, oo ka cabsada Allaah, oo ogaada in Allaah waxa aad falaysaan arko.
  234. Kuwiinna idinka mid ah oo dhinta oo ka taga afooyin gadaashooda, waxay [afooyinka] sugayaan [xagga guursigooda ciddo ahaan] afar bilood iyo toban maalmood [haddii ayan uur lahayn]. Marka ay dhammeystaan muddadooda [yacni afarta bilood iyo tobankaa maalmood haddii ayan uur lahayn, iyo markii ay dhalaan kaddib haddii laga dhintay iyagoo uur leh] ma jiro wax dembi ah oo korkiinna wixii ay ku falaan naftooda oo gar ah [sida guur xalaal ah]. Oo Allaah waxa aad falaysaan waa u Xog-ogaal.
  235. Oo ma jiro wax danbi ah oo korkiinna ah haddii aad sarbeebtaan alkumasho [doonid guur] ama aad ku qarsataan naftiinna, Allaah waa og yahay inaad xusaysaan [haweenkaas], laakiinse ha u yaboohina [haweenka nimankooda ka dhinteen] guur qarsoodi ah in maahee aad ku dhahdaan hadal wanaagsan oo gar ah, oo ha u qasdina xarigga guurka jeer muddada la qabtay [ciddada] ay dhammaato. Oo ogaada inuu Allaah og yahay waxa ku jira naftiinna, ee ka cabsada. Oo ogaada inuu Allaah yahay danbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
  236. Ma jiro wax dembi oo korkiinna ah, haddii aad furtaan haweenka idinka oo aan weli taaban [u galmoon], ama aydaan u goyn wax meher ah. Ee siiya sahay wanaagsan, kan ladan tabarti, faqiirkuna tabarti, sahay fiican waa xaq iyo waajib saaran sama-falayaasha.
  237. Oo haddii aad furtaan haweenka ka hor inta aydaan taaban [la galmoon], aadna u goyseen meher, markaa siiya meherka aad u goyseen barki, inay cafiyaan maahee, ama uu cafiyo [ninka waliga] uu ku jiro gacantiisa xarigga nikaaxa. Inaad cafidaan oo aad siisaan [meherkii oo dhan] baana u dhow ka cabsiga Allaah. Oo ha halmaamina wanaagga dhexdiinna. Xaqiiqdii Allaah waxa aad falaysaan waa arkaa.
  238. Dhowra [shanta salaadood ee faralka ah] iyo salaadda dhexe [Salaadda Casarka] khushuucsan oo aan cid kale la hadleyn.
  239. Haddii aad ka cabsataan [cadow] tukada idinkoo lugaynaya ama saaran gaadiid. Markiise aad aamin noqotaan, u xusa Allaah [oo u ooga salaadda] sida uu idiin baray waxaydaan aqoonin.
  240. Kuwiinna idin kamid ah oo dhinta oo ka taga afooyin gadaashood waa inay u dardaarmaan afooyinkooda masruuf sannad ah iyo guri ay degaan oo aan laga saareyn, haddiise ay [afooyinku] iskood u baxaan, ma jiro wax dembi korkiinna ah wixii ay ku falaan naftooda oo gar ah [sida guur xalaal ah], oo Allaah waa Xoog Badane, Xikmad Badan.
  241. Xagga haweenka la furana, [waa in la siiyaa] sahay fiican oo la yaqaan. Tani waa xil saaran kuwa ka cabsada Allaah.
  242. Sidaas buu Allaah idiinku caddaynayaa Aayadahiisa, si aad u fahantaan.
  243. Ma waadan [Muxammadow] ogaan kuwii ka baxay guryahooda iyagoo kumanyaal ah iyagoo ka baqaya geeri? Markaasuu Allaah ku yiri, “Dhinta,” soo nooleeyay. Xaqiiqdii Allaah waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankiisu ma shukriyaan.
  244. Oo ku dirira Jidka Allaah, oo ogaada inuu Allaah yahay Maqal Badane, Cilmi Badan.
  245. Kee baa amaahsan Allaah amaah wanaagsan oo uu u labolaabo labanlaab badan? Oo Allaah waa ku ciririiyaa riziqa [qofkii uu doono] oo u waasiciyaa [qofkii u doono]. Oo Xaggiisa baa la idiin celin doonaa.
  246. Ma waadan ogaan [arrinka] duqeydii ilmahii Israa’iil oo ka dambeeyay [waayihii] Muusaa? Markii ay ku yiraahdeen Nabigooda, “Noo magacow boqor waxaannuna u diriri doonnaa Jidka Allaah.” Wuxuu yiri, “Ma la idiinka yaabaa inaad ka joogtaan diriridda, haddii la idinku waajibiyo dirir?” Waxay yiraahdeen, “Maxaan leennahay, oo aan ugu diriri waynay Jidka Allaah iyadoo nalaka soo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii [eheladii loo qaatay qafaal ahaan]. Markiise lagu waajibiyay dagaalka waa ay jeesadeen, in yar oo kamid ah maahee, oo Allaah waa og yahay daalimiinta.
  247. Oo Nabigoodii [Saamuwiil] wuxuu ku yiri, “Wuxuu dhabtii Allaah u magacaabay Daaluut boqor ahaan korkiinna.” Waxay yiraahdeen, “Sidee buu boqor noogu noqon karaa, innaga baana ka mudan oo kaga habboon isaga boqornimada, lamana siin maal kaafi ah.” Wuxuu yiri, “Xaqiiqdii! Allaah baa ka doortay dushiinna oo u kordhiyay awood cilmi iyo jirba ah. Oo Allaah wuxuu siiyaa boqortooyadiisa ciddii uu doono. Oo Allaah waa Waasic Deeq Badan oo ku filan inuu daboolo baahida uumankiisa, Cilmi Badan.”
  248. Nabigoodiina [Saamuweel] wuxuu ku yiri, “Xaqiiqdii! Astaanta mulkigiisa waa inuu idiin yimaado Taabuut [sanduuq alwaax ah] oo ay dhexdiisa tahay Sakiinah [nabad iyo xasilooni] oo ka timid Rabbigiin iyo haraagii wixii ay ka tageen Muusaa iyo Haaruun oo ay siddo malaa’ig. Xaqiiqdii, tani gudaheeda waxaa idiinku sugan calaamad haddii aad tihiin mu’miniin.”
  249. Markiina uu Daaluut la ambabaxay ciidankii, wuxuu yiri, “Xaqiiqdii! Allaah wuxuu idinku imtixaani doonaa webi, ee qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, kii aan dhadhaminna waa iga mid, kii mar darsi darsada gacantiisa ma’ahee.” Waase ka cabbeen xaggiisa in yar oo kamid ah ma’ahee. Markii ay dhaafeen [webigii] isaga iyo kuwii [Xaqa] rumeeyay oo la jiray waxay yiraahdeen, “Ma lihin wax tabar ah maanta aan kaga hortagno Jaaluut iyo ciidammadiisa.” Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmi doonaan Rabbigood, waxay yiraahdeen, “Badanaa inta ay koox yar ka adkaatay koox badan Allaah Idankiis? Oo Allaah wuxuu la jiraa kuwa sabra.”
  250. Oo markii ay u soo muuqdeen Jaaluut iyo ciidammadiisii, bay waxay yiraahdeen, “Rabbiyow! Nagu shub sabar oo noo sug cagahannaga, oo nooga gargaar qoonka gaalada ah.
  251. Markaas bay ku jabiyeen Allaah Idankiis, oo wuxuu Daawuud dilay Jaaluut, oo Allaah siiyay [Daawuud] mulki [boqortooyo boqor ahaan reer banii-Israa’iil kaddib dhimashadii Daaluut iyo Saamuweel] iyo Xikmad [Nabinnimo], oo baray wixii Allaah doonay. Oo haddii uusan Allaah ku celiyeen dadka qaarkoodba qaar kale, waxaa dhabtii fasaadi lahaa arlada. Laakiinse Allaah waa u Roon yahay uumanka.
  252. Kuwakani waa aayadaha Allaah, oo aan kuugu akhrineyno [Muxammadow], si xaq ah. Oo hubaashii waxaad adigu kamid tahay Rususha [Allaah soo diray].
  253. Kuwaasi Rususha ah waxaan ka kor marinnay oo fadilnay qaarkoodba qaar, waxaa kamid ah kuwo uu Allaah ula hadlay [si toos ah], oo Wuxuu kor yeelay qaarkood darajooyin. Waxaannuna siinnay Ciisaa wiilkii Maryam xujooyin cad cad, oo ku xoojinnay Ruuxul Qudus [Jabriil]. Haddii uu Allaah doono isma dirireen facyadii ka dambeeyay, kaddib markii ay u yimaadeen Xujooyinka cad cad, laakiinse waa ay iskhilaafeen, waxaana ka mid ah kuwo [Xaqa] rumeeyay, oo waxaa kamid ah kuwo gaaloobay. Oo haddii uu Allaah doono, ma ay is-dirireen, laakiinse Allaah wuxuu falaa wixii uu rabo.
  254. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Wax ka bixiya waxa aan idinku irsaaqnay ka hor intaysan imaan Maalin aysan jirin ganac, iyo saaxiibtinnimo iyo shafeeco midna. Waana gaalada kuwa ah daalamiinta.
  255. Allaah! Ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Isaga, Waa Noolaha weligi jiray [oo jiri doona], irsaaqa, ilaaliya oo agaasima uumanka oo dhan. Ma qabato lulmo iyo hurdo midna. Isaga baa leh wax waliba oo ku sugan cirarka iyo wax waliba oo ku sugan dhulka. Waa kuma kan ka shafeeci karaa agtiisa Idankiisa ma’ahee? Wuxuu og yahay waxa ku dhaca [uumankiisa] adduunka, iyo waxa ku dhici doonaba Aakhirada. Mana koobaan [uumankiisa] wax kamida Cilmigiisa wixii uu doono ma’ahee. Kursigiisu wuxuu ku fidsan yahay korkooda cirarka iyo dhulka, oo kama dareemo wax daal ah ilaalinta iyo xifdintooda. Waana Isaga Sarreeyaha Wayn.
  256. Ma aha khasab diintu, Hanuunka [Jidka Toosan] ka cad baadida [jidka xun], ee qofkii ku gaalooba daaquudka [Shaydaanka] oo rumeeya Allaah, wuxuu dhabtii qabsaday siddada kalsoonida [xarig sugan oo adag] oo aan go’ayn. Oo Allaah waa Maqal Badane, Cilmi Badan.
  257. Allaah waa Waliga [Ilaaliyaha, Gacalka, Wakiilka, Gargaaraha] kuwa [Xaqa] rumeeyay. Wuxuu ka saaraa mugdiyada [gaalnimada] isagoo keena xagga Nuurka [Iimaanka]. Kuwase gaaloobay awliyadoodu [gargaarayaashoodu, xigaaladoodu, sokeeyahoodu, gacalladoodu] waa daaquudyada [Sheydaanka iyo kuwa raacay} Waxay uga soo saaraan Nuurka xagga mugdiyada. Kuwaasi waa ehlu-Naar, wayna ku waari doonaan dhexdeeda weligood.
  258. Ma waadan ogaan kii kula dooday Ibraahiim arrinka Rabbigi [Allaah], inuu Allaah siiyay boqortooyo darteed? Markii uu Ibraahiim yiri, “Rabbigay [Allaah] waa Kan bixiya nolol oo sababa dhimasho.” Wuxuu [Namruud] yiri, “Aniguba waxaan bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho.” Ibraahiim wuxuu yiri, “Xaqiiqdii! Allaah wuxuu sababaa qorraxda inay kasoo baxdo xagga bariga ee sabab adigu inay [qorraxdu] kasoo baxdo dhinaca galbeedka.” Markaas baa hadalkii lagaga adkaaday kii gaaloobay. Oo Allaah ma hanuuniyo qoonka ah daalimiinta.
  259. Ama sida midkii soo maray magaalo iyadoo isku kor duntay. Wuxuu yiri, “Sidee buu Allaah u nooleynayaa tan dhimashadeeda [kharaabkeeda] kaddib?” Markaasuu Allaah sababay inuu dhinto oo mowtanaado boqol sano, dabadeedna soo bixiyay [mar kale]. Wuxuu yiri, “Immisa baad nagaatay [adigoo meyd ah]?” Wuxuu [ninkii] yiri, “[Waa intaasoo] aan nagaaday [mowtanaa] maalin ama maalin galinkeed.” Wuxuu [Allaah] yiri, “Mayee, waxaad nagaatay [oo mowtaneyd] boqol sano, ee fiiri cuntadaadii iyo cabbiddaadii, waa sidoodii oo kuma dhicin wax isbeddel ah; oo fiiri dameerkaagii. Waxaana kaaga yeeleynaa dadka calaamo, oo fiiri xagga lafaha, sida aan isugu keeneyno oo u huwineyno hilib.” Markii tani si cad loo tusay, wuxuu yiri, “Waxaan ogahay [haatan] inuu Allaah yahay mid wax walba Kara.”
  260. Oo xus markii uu Ibraahiim yiri, “Rabbiyow! I tus sida aad u nooleyso meytida.” Wuxuu [Allaah] yiri, “Miyaadan [Xaqa] rumayn [Ibraahiimow]?” Wuxuu [Ibraahiim] yiri, “Waan rumeeyay, laakiinse [waxaan doonayaa] inaan kororsado Iimaan oo ku xasilo qalbigeyga.” Wuxuu [Allaah] yiri, “Haddaba soo qaado afar shimbirood, oo u soo dhowee xaggaaga [markaasna gowrac shimbirahaa, oo u jarjar gabalgabal], kaddibna saar buur walba qayb kamid ah, markaasna u yeer, waxay kuu imaan doonaan iyagoo ordaya. Oo ogow in Allaah yahay Awood Badane, Xikmad Badan.
  261. Mataalka kuwa ku bixiya maalkooda jidka Allaah, waa sida xabbad [iniin] ah oo bixisa toddobo madax, oo madax walba bixiyo boqol xabbo, oo Allaah wuxuu u labolaabaa [ajarka] qofkii uu doono, oo Allaah waa Deeq Badane, Cilmi Badan.
  262. Kuwa ku bixiya maalkooda Arrinka Allaah, oo aan raacin wixii ay bixiyeen lib sheegad iyo dhibid [caddibid], waxay ku leeyihiin abaalkooda Rabbigood agtiisa. Cabsi korkooda ma ahaan doonto, mana murugoon doonaan.
  263. Hadal wanaagsan iyo cafin gefka baa ka wanaagsan sadaqo la raaciyay dhibaato, oo Allaah waa Qani [hodan ka deeqtoon cid iyo shey waliba], Dulqaad Badan.
  264. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haku burinnina sadaqooyinkiinna lib sheegad ama dhibaato raacin, sida kan u bixiya maalkiisa istuska dadka, oo aan rumeysneyn Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhirada]. Mataalkiisu waa sida *seli [sallax] ciidi saaran tahay, oo uu helay mayay [roob wayn] oo ka tagay isagoo muluq ah maran. Ma aha kuwo ka hela wax ajar ah wixii ay kasbadeen, Oo Allaah ma hanuuniyo qoonka gaalada ah.
  265. Mataalkase kuwa u bixiya maalkooda doonidda raalli ahaanshaha Allaah iyagoo yaqiinsan in Allaah ka abaal marin doono [wax ku bixintooda Arrinkiisa], waa sida beer ku taal rako [meel sare oo loo sameeyay in lagu nasto] oo mayay [roob wayn] helay oo u keenta labolaab cuntadeeda. Haddii uusan helin mayay [roob wayn] uu roob yar deeqo. Oo Allaah waxa aad falaysaan waa arkaa.
  266. Ma jeclaan lahaa midkiin inuu lahaado beer timir iyo canabyo ah, oo ay wabiyo hoos qulqulayaan, oo miro walbaa ugu yaalaan, isagoo da’i heshay, uuna leeyahay carruur tabar yar [aan daryeeli karin naftooda], oo markaas beertii gasho cirboor [cir wareen, xiisad dabeyl ah] oo dab wadata, oo ay gubato? Sidaas buu Allaah idiinku caddaynayaa Aayadahiisa [xujooyinkiisa, iyo wax lamid ah] bal inaad ka fekertaan?
  267. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Wax ka bixiya waxyaalaha wanaagsan oo aad [si xalaal ah] u tabcateen iyo waxa aan idiinka soo saarnay dhulka, oo ha u qasdina kiisa xun inaad bixisaan, oo aydaan idinba qaadateen inaad indhaha ka laabtaan maahee oo aad ka aamustaan. Oo ogaada inuu Allaah yahay Qani [hodan ah oo ka deeqtoon cid iyo shey waliba] oo mudan ammaan iyo mahad oo dhan.
  268. Shaydaan wuxuu idinku handadaa faqri, oo idin amraa xumaan, halka Allaah idiin yaboohayo danbi dhaaf Xaggiisa ah iyo Fadli, oo Allaah waa Waasic [Deeqsi ah oo ku filan inuu daboolaa baahida uumankiisa oo dhan], Cilmi Badan.
  269. Wuxuu siiyaa Xikmadda [aqoonta Qur’aanka iyo sunnada iyo u hadalka iyo u dhaqanka sida wanaagsan] ciddii uu doono, oo kii la siiyo xikmad, waxaa dhabtii la siiyay khayr badan. Mase ku waantoobaan waxaan ahayn kuwa waxgaradka ah.
  270. Oo wixii aad bixisaan oo nafaqo ah [sako, sadaqo loo bixiyo Arrinka Alle, iyo wixi lamid ah] iyo wixii nadar [sharad] ah oo aad nadartaanba, ogaada Allaah waa ogyahay, oo ma laha daalimiintuna wax gargaarayaal ah.
  271. Haddii aad muujisaan sadaqooyinkiinna waa fiican tahay, haddiise aad qarisaan, oo aad siisaan saboolka, sidaasi idinka bay idiin roon tahay. Wuxuu [Allaah] idiin asturi doonaa *xamaanahiina. Oo Allaah waxa aad falaysaan waa u Xog Ogaal.
  272. Kuma saarna [Muxammadow] hanuunkoodu, laakiinse Allaah baa hanuuniya qofkii uu doono. Wixii aad ku bixisaan wax khayr ah waxaa leh naftiinna, markii aydaan u bixineyn waxaan ahayn doonidda Wajiga Allaah. Wixii aad ku bixisaanba wax khayr ah waxaa la idiinku oofin doonaa si dhan mana la idin dulmin doono.
  273. [Sadaqada] waxaa leh fuqarada kuwa Arrinka Allaah uga xayiran [socdaalka], oo aan ku dhaqdhaqaaqi karin dhulka [si ay ganac u sameeyaan ama u shaqeystaan] midka aan garaneyn uu moodayo inay hodan yihiin dhawrsoonidooda darteed, waxaadse ku garan kartaa astaantooda, mana ay baryaan dadka sideedaba. Wixiina aad ku bixisaanba wax khayr ah, hubaashii Allaah waa og yahay.
  274. Kuwa ku bixiya maalkooda [Arrinka Allaah] habeen iyo maalinba, sir iyo saaqba, waxay ka heli doonaan ajarkooda Rabbigood agti. Cabsi korkooda ma ahaan doonto, mana murugoon doonaan.
  275. Kuwa cuna ribada uma istaagi doonaan [Maalinta Qiyaamaha] wax aan ahayn sida istaagga mid Sheydaan daandaanshay oo la dhaca dhaca waalli iyo wareer. Sidaasi waxaa ugu wacan inay yiraahdeen, “Beecu waa uun sida ribada oo kale,” halka Allaah uu xalaaleeyay beeca, oo xarrimay ribada, ee qofkii ay u timaaddo waano xagga Rabbigi ah oo ka jooga ribada looma ciqaabi doono wixii hore; arrinkiisuna Allaah baa leh [inuu ka arrimiyo], qofkiise u noqda [ribada] kuwaasu waa ehlu-Naar, wayna ku waari doonaan dhexdeeda.
  276. Allaah wuu tiraa ribada, oo tarmiyaa Sadaqada [ku badiyaa maalka oo barakeeyaa]. Oo Allaah ma jecla mid kastoo ah gaalnimo badane, dembi badan.
  277. Xaqiiqdii, kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Zakada, waxay ka heli doonaan ajarkooda Rabbigood agti. Cabsi korkooda ma ahaan doonto, mana murugoon doonaan.
  278. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ka cabsada Allaah oo ka taga waxa idiin haray [oo aad leedihin] oo ribada ah [hadda iyo wixii ka dambeeya], haddii aad tihiin mu’miniin.
  279. Haddii aydaan falin sidaa, ku tala gala dagaal idiinka yimaada Allaah iyo Rasuulkiisa, haddiise aad toobad keentaan waxaad leedihiin lafihii maalkiinna, ma aha inaad wax dulmidaan [oo weydiisataan wax dheer lafihii maalkiinna], idinkana ma aha in la idin dulmiyo [oo in la idin siiyo wax ka yar lafihii maalkiinna].
  280. Oo haddii uu deymaysanahu daneysan yahay [heysan wax lacag ah, ceyr yahay] ha la sugo ilaa ay uga fududaato inuu iska gudaa, inaadse sadaqaysataan [ka cafidaan] baa idiin khayr badan, haddii aad og tihiin.
  281. Oo iska jira Maalin la idiin soo celin doonaa xagga Allaah. oo naf walba loo oofinayo wixii ay kasbatay iyagoo aan la dulmeyn.
  282. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Marka aad kala deynsanaysaan deyn ilaa muddo magacaaban ah, qora, oo ha idiinku kala qoro dhexdiinna qore si caddaalad ah, oo ayaanu qorahu diidin inuu u qoro sida uu Allaah u baray, ee ha qoro, hana u yeeriyo kan xaqa [deynta] lagu leeyahay, oo haka cabsado Allaah, Rabbigi, oo ayaanu ka dhimin wax kamid ah waxa lagu leeyahay. Haddiise uu yahay kan xaqa lagu leeyahay mid makas ama daciif ah ama uusan awoodin inuu yeeriyo, ha u yeeriyo wakiilkiisu si caddaalad ah, oo marag gashada labo markhaati oo raggiinna kamid ah. Haddii aan la helin labo nin, marag gashada nin iyo labo haweenood oo aad ku raalli tihiin marag ahaan, si haddii ay middood [labada haween] gefto, ay u xusuusiso tan kale. Waana inaysan diidin markhaatiyadu haddii loogu yeero [markhaati ahaan]. Oo haka caajisina inaad qortaan [deynta aad kala qaadataan] yaraayaa iyo badnaayaaba ilaa muddadiisa la qabtay, sidaas baa caddaaladsan Allaah agtiis oo toosan markhaati ahaan, oo wanaag badan si loo reebo shakiyo dhexdiinna ah, inay tahay maahee ganacsi joogta ah oo aad isku dhaafsataan isla meeshaa dhexdiinna, markaa ma jiro wax dembi ah korkiinna haddii aydaan qorin, ee marag u yeela marka aad wax kala gadanaysaan. Oo yaan loo geysan wax dhibaato ah qore iyo markhaati midna, haddii aad fashaan [wax dhibaato ah] waa faasiqnimo idinku jirta. Ee ka cabsada Allaah, oo wax buu Allaah idin bariye, oo Allaah wax waliba waa og yahay.
  283. Haddiise aad safar tihiin oo aydaan heli karin qore, rahan [curaar] la kala qaato [ha beddesho qoridda], markaa haddii uu midkiin aamino midka kale, waa inuu kan la aaminay u gutaa ammaanadiisa [si daacad ah] oo haka cabsado Allaah, Rabbigi. Oo ha qarinnina maragga, kii qariyaana maragga, qalbigiisu waa dembiile. Oo Allaah waxa aad falaysaan waa og yahay.
  284. Allaah baa iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka, oo haddii aad muujisaan waxa ku jira naftiinna ama aad qarisaan, Allaah wuu idin kala xisaabtami doonaa, wuuna u dhaafayaa qofkii uu doono, oo cadaabayaa qofkii uu doono, oo Allaah wax walba waa karaa.
  285. Wuxuu rumeeyay Rasuulku [Muxammad] waxa looga soo dajiyay Rabbigi, mu’miniintuna [way rumeeyeen]. Mid walbaa wuxuu rumeeyay Allaah, malaa’igtiisa, kutubtiisa, rusushiisa. [Waxay yiraahdeen] “Ma sameynno wax kala soocid ah midkoodna ka mid ah rusushiisa, waxayna yiraahdeen, ‘Waan maqalnay oo adeecnay, [ee noo] dambidhaaf Rabbiyow, oo waa Xaggaaga noqodka [dambe].’”
  286. Ma saaro Allaah nafna wax dhaafsiisan awooddeeda. Waxay helaysaa ajarka iyo abaalka wixii [wanaag ah] ay kasbatay, waana loo qaban wixii [xumaan] ah ay kasbatay. “Rabbiyow! Ha noo qaban wixii hilmaan nooga dhaca ama gef aan ula kac ahayn. Rabbiyow! Hana saarin culays sida kii aad saartay kuwii naga horreeyay [Yuhuudda iyo Nasaarada]. Rabbiyow! Hana saarin culeys aannaan tabar u lahayn inaan qaadno. Na cafi oo noo danbi dhaaf, oo noo naxariiso, Adigaa ah Mawlaanaa [Ilaaliyahayaga, gargaarahayaga, gacalkayaga, wakiilkayaga] ee nooga gargaar qoonka gaalada ah.”

Suuradda 3aad: Aal-Cimraan [Reer-Cimraan]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Alif. Laam. Miim. [Xarfahani waxay ku tusinayaan Mucjizada Qur’aanka, oo Allaah [Keliya] baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo.]
  2. Allaah, ma jiro ilaah xaq u leh in la caabudo Isaga maahee, waa Noolaha weligi jiray [ee jiri doona], ee irsaaqa oo agaasima dhammaan waxa uunka jira.
  3. Wuxuu kuugu soo dajiyay [Muxammadow] Kitaabka [Qur’aanka] si xaq ah, isagoo rumaynaya wixii ka horreeyay [oo kutub ah], oo Wuxuu soo dajiyay Towraadda iyo Injiilka.
  4. Awal hore, hanuun ahaan dadka, oo wuxuu soo dajiyay kala-saaraha [Xaqa iyo baadilka, Qur’aankan]. Xaqiiqdii, kuwa ku gaaloobay aayaadka [xujooyinka, calaamooyinka, waxyiga] Allaah, waxay leeyihiin cadaab daran, oo Allaah waa Awood Badane, Aarsada.
  5. Hubaashii, waxba Allaah kagama qarsoona dhulka ama cirka gudahood.
  6. Waa Kan idiinku suureeya riximyada sidii uu doono. Ma jiro ilaah xaq u leh in la caabudo Isaga maahee, Awood Badanaha, Xikmadda Badan.
  7. Waa Kan kugu soo dajiyay [Muxammadow] kitaabka [Qur’aanka]. Waxaa ku jira aayado sugan [oo macnahoodu cad yahay], iyaga baana aasaas u ah Kitaabka, iyo kuwo kale oo isu eg. Marka kuwa qalbigooda uu ku jiro ka weecashada [Xaqa], waxay raacraacaan kuwa isu eg iyagoo doonaya al-Fitnah [xumaan, jarribaadyo, iyo waxa lamid ah] iyo raadin fasirkiisa, mana oga fasirkiisa waxaan ahayn Allaah. Kuwa ku xididdaystayna cilmiga waxay yiraahdaan, “Waan rumaynay waxa ku sugan dhammaantood iyagu [aayadaha cadcad iyo aayadaha isu eg] waxay ka yimaadeen xag Rabbigayo.” Mana ku waantoobaan waxaan ka ahayn dadka waxgaradka ah.
  8. [Waxay yiraahdaan], “Rabbiyow! Haka weecin qalbiyadayada [Xaqa] kaddib markii aad na hanuunisay, oo naga sii Xaggaaga Naxariis, Waxaad xaqiiqdii Adigu tahay Bixin Badanaha.”
  9. “Rabbiyow! Xaqiiqdii, waa Adiga Kan u soo kulmin doona dadka Maalin arrinkeedu uusan ku jirin wax shaki ah.” Xaqiiqdii, Allaah kama baxo Ballanka.
  10. Xaqiiqdii, kuwa gaaloobay, ugama taraan maalkooda iyo carruurtooda Allaah xaggiisa waxba, kuwaasna waa iyaga uun shidaalka Naarta.
  11. Sidii dhaqankii dadkii Fircoon iyo kuwii ka horreeyay, waxay beeniyeen Aayadahayaga, markaasuu Allaah u qabtay [baabbi’iyay] dambiyadoodii darteed. Oo Allaah waa ku daran yahay ciqaabta.
  12. Ku dheh [Muxammadow kuwa gaaloobay] “Waa la idinka adkaan doonaa, Waxaana la idinku soo kulmin doonaa xagga Naarta, oo iyada baa u xun gogol.”
  13. Waxaa idiinku sugan calaamo idinka [Yuhuudday] labada kooxood ee kulmay [wada dagaallamay waa dagaalkii Badar]: Koox waxay u dirireysay Arrinka Allaah, xagga qolada kale ay ahaayeen gaalo. Waxay [mu’miniintu] ugu arkeen [gaalada] indhahooda labo jibbaarka tiradooda [inkastoo ay ahaayeen seddex jibbaarka tiradooda]. Oo Allaah wuxuu ku taageeraa gargaarkiisa ciddi uu doono. Xaqiiqdii, tani waxaa ugu sugan cibrad ciddii arag leh [waxgaradka].
  14. Waxaa loo qurxiyay dadka jacaylka waxyaalaha naftu damaacido oo ah haween, carruur, wax badan oo dahab iyo qalin ah [lacag], fardo laylan oo qurxoon, iyo xoolo iyo dhul si fiican u beeran. Waxaasu waa raaxada nolosha adduunka, Allaah aagtiisana waxaa ah meel noqodka wanaagsan [Janno].
  15. Dheh, “Ma idiin ka warramaa wax ka fiican waxyaalahaas? Waxay leeyihiin kuwa Allaah ka cabsada Rabbigood agtiis beero [Jannooyin] ay hoostoodu webiyadu qulqulayaan iyagoo ku waaraya dhexdooda, iyo afooyin daahir ah [aan lahayn xayl, kaadi, saxaro, iyo wax lamid ah] iyo raalli ahaansho xagga Allaah ah. Oo Allaah waa arkaa addoommahiisa.”
  16. Kuwa yiraahda, “Rabbiyow! Innagu dhabtii waan rumaynnay, ee noo dhaaf dunuubtayada, oo naga dhowr cadaabta Naarta.”
  17. [Kuwaasu waa] kuwa sabra, ee ka run sheega [iimaankooda, hadalladooda, iyo camalladooda], ee adeeca Allaah, kuwa bixiya [ku bixiya Zakada iyo sadaqada Arrinka Allaah] iyo kuwa tukada salaatu-leylka ee barya cafiska Allaah saacadaha ugu dambeeya ee habeenka [waqtiga suxuurta].
  18. Allaah wuxuu qirayaa inuusan jirin ilaah xaq u leh in la caabudo Isaga maahee, malaa’igtuna [way qiraan] iyo kuwa cilmiga leh, [wuxuu mar waliba Allaah] u maamulaa uumankiisa si caddaalad ah. Ma jiro Ilaah xaq u leh in la caabudo Isaga maahee, waana Awood Badanaha Xikmadda Badan.
  19. Xaqiiqdii, diinta xaqa ahi Allaah agtiisa waa Islaamka, ismana khilaafin kuwii la siiyay Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] inta uu u yimid cilmiga maahee xasad [iyo dulmi] dhexdooda ah dartiis. Qofkiina ku gaalooba Aayadaha Allaah, hubaashii, Allaah waa ku dhaqsi badan yahay xisaabta.
  20. Ee haddii ay kula doodaan [Muxammadow] dheh, “Waxaan u hoggaamiyay Wajigeyga [nafteyda] Allaah, [waana sidaa oo kale sida ay yeelaan] kuwa i raaca.” Oo ku dheh kuwa la siiyay Kitaabka [Yahuudda iyo Nasaarada] iyo kuwa aan wax akhrin waxna qorin ee ummiyiinta ah [mushrikiinta Carbeed], “Ma hoggaansamaysaan?” Haddii ay hoggaansamaan, waa hanuuneen, haddiise ay jeesadaan, waxaan uun ku saaran gaarsiinta dhambaalka, oo Allaah waa arkaa addoomahiisa.
  21. Xaqiiqdii, kuwa ku gaaloobay Aayadaha Allaah oo ku dila Nabiyada xaqdaro, oo dila kuwa amra dhaqanka wanaagsan ee caddaaladda ah ee dadka kamid ah, ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
  22. Kuwaasu waa kuwa uu buray camalladoodu adduun iyo Aakhiraba, mana laha wax u gargaara.
  23. Ma waadan ogaan kuwii la siiyay qayb kamid ah Kitaabka oo loogu yeerayo Kitaabka Allaah si uu u kala xukumo dhexdooda, markaas ay qaar kamid ah jeesadaan, iyagoo [Xaqa] diiddan.
  24. Waxaa sidaas ugu wacan inay yiraahdeen, “Ma na taaban doonto Naari waxaan ahayn maalmo tirsan.” Waxaana ku hoday diintooda wixii ay been abuuran jireen.
  25. Ee sidee [bay ahaan doontaa] marka aan isugu soo kulminno dhammaantood Maalin aan ku jirin shaki [Maalinta Qiyaamaha] oo naf walba loo oofiyo wixii ay kasbatay iyagoo aan la dulmineyn.
  26. Dheh [Muxammadow], “Allahayow! Kan xukunka lahow, Waxaad u dhiibtaa xukunka kii aad doonto, oo ka qaaddaa xukunka kii aad doonto, waxaad darajeysaa kii aad doonto, oo dulleysaa kii aad doonto. Gacantaada buu ku jiraa khayrku. Adigaana xaqiiqdii wax kasta Kara.”
  27. “Waxaad dhex galisaa habeenka maalinta, oo dhex galisaa maalinta habeenka, oo waxaad kasoo saartaa wax nool wax dhintay, oo kasoo saartaa wax dhintay wax nool. Oo Waxaad irzaaqdaa ciddii aad doonto xisaab la’aan.
  28. Yaysan ka yeelan mu’miniintu gaalada awliyaa [taageerayaal, la-taliyayaal, gacallo, xigaalo, sokeeye, iyo wax lamid ah] halkii mu’miniinta, kii sidaas falana waxba Allaah kama mudna, in maahee aad ka baqdaan khatar dhab ah oo xaggooda ah, oo Allaah wuxuu idiinka digayaa Naftiisa [ciqaabtiisa] waana xagga Allaah noqodka dambe.
  29. Dheh [Muxammadow], “Haddii aad qarisaan waxa ku jira laabihiina, ama aad muujisaan, wuu og yahay Allaah, wuxuuna og yahay waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka. Oo Allaah wax walba waa Karaa.”
  30. [Oo xusuusnow] Maalinta naf walba heli doonto waxay camal fashay oo khayr ah oo la hor keenay, iyo wixii ay fashay oo xumaan ah, waxay jeclaan doontaa in la yeelo masaafo fogi dhexdooda isaga iyo xumaantiisa. Oo Allaah wuxuu idiinka digayaa Naftiisa [ciqaabtiisa]. Oo Allaah waa u Turid iyo Naxariis Badan yahay addoomahiisa.
  31. Ku dheh [Muxammadow dadka], “Haddii aad tihiin kuwo jecel Allaah, isoo raaca [ku dhaqma Qur’aanka iyo Sunnada Nabiga], markaasuu Allaah idin jeclaane oo idiin dhaafayaa dunuubtiinna. Oo Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.”
  32. Dheh [Muxammadow], “Adeeca Allaah iyo Rasuulka [Muxammad].” Haddiise ay jeesadaan, xaqiiqdii Allaah ma jecla gaalada.
  33. Allaah wuxuu ka doortay Aadam, Nuux, reer Ibraahiim iyo reer Cimraanba caalamka [dadkii waayahoodii jiray].
  34. Durriyad qaarkoodba ka yimid qaar, oo Allaah waa Maqal Badane, Cilmi Badan.
  35. Xus markii ay marwadii Cimraan tiri, “Rabbiyow! Waxaan kuu nadray waxa [ilmaha] ku jira calooshayda inuu u madax bannaanaado u adeegga meeshaada cibaadada [masjidkaaga, macbadkaaga] ee iga aqbal. Xaqiiqdii, Adigu waxaad tahay Maqal Badanaha, Cilmiga Badan.”
  36. Markii ay dhashay [ilmahii uurkeeda ku jiray waa Maryam’e] waxay tiri, “Rabbiyow! Waxaan dhalay ilmo dheddig ah,” oo Allaah waa ka ogaa waxa ay dhashay, labkuna ma aha sida dheddiga, “Oo waxaan anigu u bixiyay Maryam, waxaana kaa magan galinayaa iyada iyo carruurteedaba Shaydaanka la fogeeyay.”
  37. Markaasuu Rabbigeed [Allaah] ka aqbalay aqbal wanaagsan, Wuxuuna koriyay korriin wanaagsan, waxaana qaaday xilka daryeelkeeda Zakariya. Mar kasta oo uu ugu soo galo mixraabka qolkeeda gaarka ah ay ku cibaadeysato] wuxuu ka helaa agteeda rizqi, wuxuu yiraahdaa, “Maryameey, xaggee kaaga yimaadeen waxan?” Waxay tiri, “Xagga Allaah, xaqiiqdii Allaah wuxuu u irsaaqaa ciddii uu doono xisaab la’aan.”
  38. Halkaas buu Zakariya ku baryay Rabbigi, isagoo leh, “Rabbiyow! Iga sii xaggaaga durriyad wanaagsan. Waxaad xaqiiqdii Adigu tahay Maqlaha baryada.”
  39. Oo waxaa u dhawaaqday malaa’igta isagoo taagan oo ku tukanaya mixraabka [qol gaar ah oo tukasho, iyagoo leh] Allaah wuxuu kuugu bishaaraynayaa Yaxya oo rumeynaya kelmad xagga Allaah ah {Ciisaa], sayidna ah, dhowrsoon, oo Nabi ah, kamid ah kuwa wanaagsan.”
  40. Wuxuu yiri, “Rabbiyow! Sidee u yeelanayaa wiil, anigoo ay isoo gaartay filwayni, haweentayduna tahay ma-dhasho?” Allaah wuxuu yiri, “Sidaas buu Allaah u falaa wixii uu Doono.”
  41. Wuxuu yiri, “Rabbbiyow! Ii yeel calaamo.” Allaah wuxuu yiri, “Calaamaddaadu waa inaadan la hadli doonin dadka saddex maalmood ishaaro ma’ahee. Oo xus Rabbigaa wax badan [adigoo ammaanaya si celcelis ah], oo u tasbiixso [nazah] galab iyo subaxba.”
  42. Oo [xus] markii ay malaa’igtu tiri, “Maryamey! Xaqiiqdii, Allaah waa ku doortay oo waa kaa daahiriyay [shirki iyo macaasi], wuxuuna kaa doortay haweenka caalamka [haweenkii waqtigeedii ahaa].”
  43. “Maryameey! Adeec Allaah [oo u khushuuc], oo sujuud, rukuucna la jirka kuwa rukuuca.”
  44. Waxakani waa qaar kamid ah wararkii Ghaybka [kaa qarsoonaa, waa wararkii ummadahii hore oo aadan waxba ka ogeyn] oo aan kuu waxyoonno [Muxammadow], mana aadan la joogin markii ay tuurayeen qalimadooda kooda loo dhiibayo xilka kafaala-qaadidda iyo daryeelka Maryam, mana aadan la joogin markii ay doodayeen.
  45. Xus markii ay malaa’igtu tiri, “Maryamey! Xaqiiqdii, Allaah wuxuu kuugu bishaaraynayaa kelmed [wiil uu ku abuurayo kelmedda ‘ahow’ oo ahaanaya, kelmaddaasoo] xaggiisa ah, magaciisu yahay al-Masiix Ciisaa wiikii Maryam, oo sharaf ku leh adduunka iyo Aakhiradaba, kana mid ah kuwa la soo dhoweeyay.”
  46. “Oo kula hadli doonaa dadka isagoo ilmo dhashay ah oo dhabta saaran iyo isagoo gar madoobe ahba, oo kamid ah kuwa wanaagsan.”
  47. Waxay tiri, “Rabbiyow! Sidee u lahaan doonaa ilmo isagoo uusan i taaban nin?” Wuxuu [Allaah] yiri, “Sidaas [bay ahaan doontaa] Allaah wuxuu abuuraa wixii uu doono, markii uu arrin gooyo wuxuu ku yiraahdaa keliya, ‘Ahow!’ waana ahaadaa.
  48. “Wuxuuna [Allaah] bari doonaa isaga [Ciisaa] Kitaabka iyo al-Xikmah [waa sunnada, hadallada aan gefka lahayn ee Nabiyada, murti iyo wixi lamid ah, iyo] Towraadda iyo Injiilka.”
  49. Waxaana ka dhigi doonaa isaga [Ciisaa] Rasuul loo dirayo carruurtii Israa’iil [isagoo leh], “Waxaan idiin kala imid Calaamo xagga Rabbigiin, waxaan idiinka sameynayaa dhoobada, sida wax aad mooddid suurad shimbir, markaasaan afuufayaa, waxayna noqoneysaa shimbir Allaah idanki. Waxaana bogsiiyaa kii dhashay isagoo indho-la’ iyo baraslaha, waxaana nooleeyaa meytida Allaah idanki, waxaana idiinka warramayaa waxa aad cuntaan iyo waxa aad ku kaydsataan guryihiinna. Hubaashii, taasi gudaheeda waxaa idiin ku sugan calaamo, haddii aad tihiin mu’miniin.”
  50. “Waxaana u imid inaan rumeeyo wixii iga horreeyay oo Towraadda ah, iyo si aan idiinku xalaaleeyo qaar kamid ah wixii la idinka xaaraameeyay, waxaana idiin la imid caddayn xagga Rabbigiin ah, ee ka cabsada Allaah oo i adeeca.”
  51. “Xaqiiqdii! Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, ee caaabuda Isagoo [Keliya], sidaas baa ah Jidka Toosan.
  52. Markii uu Ciisaa ogaaday gaalnimadoodii, wuxuu yiri, “Yaa iigu gargaaraya [arrinka] Allaah?” Xawaariyiintii waxay yiraahdeen, “Innaga baa ah gargaaraayaasha [Arrinka] Allaah, waxaan rumeynnay Allaah, ee marag ka ahow inaan nahay Muslimiin.”
  53. “Rabbiyow! Waxaan rumeynnay wixii aad soo dejisay, oo raacnay Rasuulka [Ciisaa], ee nagu qor la jirka kuwa ka markhaati kaca [Xaqa].”
  54. Waxayna qooleen [gaaladu inay dilaan Ciisaa] oo Allaah tab u degay sidoo kale, oo Allaah waa Kan u wanaagsan inta wax tabeysa.
  55. [Xus] markii Allaah yiri, “Ciisow! Waan ku oofsanayaa oo kor kuugu soo dhigayaa xaggeyga, oo kaa daahirinayaa [hadalka beenta ah waa in Ciisaa yahay wiilkii Alle] ay yiraahdaan kuwa gaaloobay, Waxaana ka yeeli doonaa kuwa ku raaca [muwaxidiinta] kuwa ka sarreeya kuwa ku gaalooba [Towxiidka, ama ku gaalooba qaar kamid ah Rususha Allaah sida Muxammad, Ciisaa iyo Muusaa, ama kutubtiisa sida Towraadda, Injiilka iyo Qur’aanka] ilaa Maalinta Qiyaamaha. Dabadeedna waxaad u soo noqon doontaan Xaggayaga, markaasaan idin ku kala xukumi doonaa arrimahii aad isku khilaafsanaydeen.”
  56. Xagga kuwa gaalooba, waxaan cadaabi doonaa cadaab daran adduun iyo Aakhiraba, mana lahaan doonaan wax gargaarayaal ah.
  57. Xaggase kuwa [Xaqa] rumeeya oo fala camallo wanaagsan oo suubban, Allaah wuxuu ugu oofin doonaa abaalladooda si dhan, oo Allaah ma jecla daalimiinta.
  58. Waxakani waa waxa aan kuu akhrinno [Muxammadow] oo kamid ah Aayadaha iyo waanada [Qur’aanka] xikmadda ah.
  59. Xaqiiqdii, mataalka Ciisaa xagga Allaah waa sida mataalka Aadam, wuxuu ka abuuray ciid, markaasuu ku yiri, “Ahow,” waana ahaaday.
  60. [Waxakani] waa Xaq xagga Rabbigaa ah, ee haka mid noqon kuwa shakiya.
  61. Ee qofkii kaala dooda wax ku saabsan [Ciisaa] kaddib [waxakan oo dhan] ee cilmiga ah oo kuu yimid, [waa ahaanta Ciisaa addoon Alle iyo Rasuul loo diray ilmahii Israa’iil, iyo inuusan wax qayb ah ku lahayn ilaahnimada] dheh [Muxammadow], “Kaalaya, aan u yeerno carruurtayada iyo caruurtiinna, haweenkayaga iyo haweenkiinna iyo naftayada iyo naftiinnaba, markaas aan Allaah barinno in Nacladda Allaah dushooda ahaato beenalayaasha.”
  62. Xaqiiqdii! Waxakanu waa ka sheekeyn xaq ah [oo ku saabsan qisadii Ciisaa], iyo in cidina xaq u lahayn in la caabudo Allaah maahee [Waaxidka, Sayidka, aan lahayn afo iyo ilmo midna] oo xaqiiqdii Allaah waa Awood Badanaha, Xikmadda Badan.
  63. Haddii ay jeesadaan, hubaashii Allaah waa og yahay kuwa wax fasahaadiya.
  64. Dheh [Muxammadow], “Ehlu-Kitaabkoow [Yuhuudda iyo Nasaarada] u kaalaya Kelmad xaq ah oo noo dhaxeysa innaga iyo idinka, waa inaynaan caabudin axadna Allaah maahee, waxna aannaan u shariig yeelin, iyo inaysan ka yeelan qaarkeen qaar kale rabbiyo Allaah ka sokow.” Haddii ay jeesadaan, dhahaya, “Marag ka ahaada inaan innagu nahay Muslimiin.”
  65. Ehlu-Kitaabow [Yuhuudda iyo Nasaarada]! Maxaad uga doodeysaan arrinta Ibraahiim, lamana soo dejin Towraadda iyo Injiilka gadaashiis maahee? Ma waydaan wax garanaeyn?
  66. Waa idinka kuwaa ka dooday wixii aad u lahaydeen cilmi, ee maxaad uga doodaysaan wax aydaan u lahayn cilmi? Waa Allaah Kan og, idinkuse ma ogidin.
  67. Ma ahayn Ibraahiim Yuhuudi iyo Nasraani midna, laakiinse wuxuu ahaa toosane Muslim ah, kamana mid ahayn mushrikiinta.
  68. Xaqiiqdii, waxaa dadka u xiga Ibraahiim kuwii raacay, iyo Nabigaan [Muxammad] iyo kuwa [Xaqa] rumeeyay [Muslimiinta]. Oo Allaah waa Waliga [Ilaaliyaha, Gacalka, Wakiilka, Gargaaraha] mu’miniinta.
  69. Waxay jecel yihiin qaar kamid ah Ehlu-Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] inay idin lumiyaan, mase dhuminayaan waxaan ahayn naftooda, mana dareensana.
  70. Ehlu-Kitaabow [Yuhuudda iyo Nasaarada] maxaad ugu gaaloobaysaan Aayadaha Alle [Aayadaha ku saabsan Nabi Muxammad ee ku yaal Towraadda iyo Injiilka] idinkoo marag ka ah [oo og xaqnimadooda].”
  71. Ehlu-Kitaabow [Yuhuudda iyo Nasaarada] maxaad ugu dheeheysaan Xaqa baadilka, oo u qarineysaan Xaqa idinkoo og?
  72. Waxay yiraahdeen qaar kamid ah ehlu-Kitaabka, “Rumeeya waxa lagusoo dajiyay kuwa [Xaqa] rumeeyay [Muslimiinta] maalinta galinkeeda hore, oo ku gaalooba maalinta galinkeeda dambe, bal inay soo noqdaan [gaaloobaan].”
  73. “Oo ha rumaynina qofaan ahayn midka raaca diintiinna.” Dheh [Muxammdow], “Hubaashii! Hanuunka toosan waa hanuunka Allaah.” [Hana rumeysannina] in cid la siin karo wax lamid ah waxa la idin siiyay [ee waxyiga ah oo kale inuu raaco maahee diintiinna] haddii kale waxay idiinkula doodayaan Rabbigiin horti.” Dheh [Muxammadow], “Fadliga oo dhan wuxuu ku jiraa Gacanta Allaah, Wuxuu siiyaa ciddii uu doono, oo Allaah waa Waasic Deeq Badan oo ku filan inuu daboolo baahida uumankiisa, Cilmi Badan.
  74. Wuxuu u doortaa oo ku gaar yeelaa Naxariistiisa [Qur’aanka ay Nabinnimo wehliso] ciddii uu doono. Oo Allaah waa Kan iska leh Fadliga Wayn.
  75. Waxaa kamid ah ehlu-Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] mid haddii aad ku aaminto qindaar [maaliyad wayn oo iska dhan oo adduun ah] kuu oofiinaya iyadii oo dhan, waxaana kamid ah mid haddii aad ku aaminto hal diinaar aan dib kuugu gudayn inaad kor joogto ma’ahee adigoo weydiisanaya [waa Yuhuudda iyo wixii la mid ah], waxaana taas ugu wacan inay yiraahdaan, “Eed nama saarna inaan khiyaameyno oo qaadanno hantida kuwa aan wax qorin waxna akhriyin [Carabta].” Oo waxay Allaah ka sheegayaan been iyagoo ogsoon.
  76. Mayee, kii oofiya axdigiisa oo ka cabsada Allaah, xaqiiqdii Allaah waa jecel yahay kuwa ka dhowrsada [xumaha].
  77. Xaqiiqdii, kuwa ku gata cahdiga Allaah iyo dhaarahooda qiimo yar, kuwaas kuma laha wax saami ah Aakhirada [Jannada], lamana hadlo Allaah, mana eego xaggooda Maalinta Qiyaamaha, mana daahiriyo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
  78. Oo waxaa xaqiiqdii kamid ah qaar ku laxna carrabyadooda Kitaabka [marka ay akhrinayaan] si aad u mooddaan inuu kamid yahay Kitaabka, kana mid ma aha Kitaabka, waxayna yiraahdaan, “Kani wuxuu ka yimid Xagga Allaah, mana aha mid ka yimid xagga Allaah, waxayna ka sheegayaan Allaah been iyagoo ogsoon.
  79. Kuma habboona qof in Allaah siiyo Kitaab, Xukun iyo Nabinnimo uu markaas ku yiraahda dadka, “Ii noqda addoommo Allaah ka sokow.” Laakiinse [wuxuu oranayaa], “Ahaada culimo Alle-yaqaan ah oo ku camal fala waxa ay yaqaanniin, Kitaabka aad bareysaan dartiis, iyo waxa aad baranaysaan.”
  80. Oo idinma amrayo Allaah inaad ka yeelataan malaa’igta iyo Nabiyada Rabbiyo, ma wuxuu idin amrayaa gaalnimo kaddib markii aad noqoteen Muslimiin?
  81. Oo [xus] markii uu ka qaaday Allaah wacadka Adag Nabiyada [ee leh] “Qaata wixii aan idin siiyo oo Kitaab iyo Xikmo ah, intaas kaddib markii uu idiin yimaado Rasuul [Muxammad] rumaynaya waxa aad haysataan, waa inaad rumeysaan oo u gargaartaan.” Allaah wuxuu yiri, “Ma qirteen oo ma qaaddeen wacadkayga?” Waxay yiraahdeen, “Waan qirnay.” Wuxuu yiri, “Markhaati ka ahaada, Aniguna waan idinla jiraa oo waxaan kamid ahay markhaatiyada [arrinkan].”
  82. Kiise jeesada intaas kaddib, waa kuwaas kuwa ah faasiqiinta.
  83. Ma diinta Alle waxaan ahayn bay rabaan, isagoo ay [Allaaah] u hoggaansan yihiin waxa ku sugan cirarka iyo dhulka, adeecsanaan iyo khasbanaanba, Xaggiisaana loo celin doonaa [dadka].
  84. Dheh [Muxammadow], “Waxaan rumaynay Allaah, iyo waxa nalagu soo dajiyay, iyo waxa lagu soo dajiyay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub iyo al-Asbaad [wiilashii Yacquub] iyo wixii la siiyay Muusaa, Ciisaa iyo Nabiyadii xagga Rabbigood. Ma kala soocno midkoodna kamid ah iyaga, innaguna Isaga [Allaah] baan u hoggaansannahay.”
  85. Oo kii doona diin aan ahayn Islaamka, laga aqbali maayo, Aakhiradana wuxuu kamid ahaan kuwa khasaaray.
  86. Sidee Allaah u hanuunin qoon gaaloobay rumayntoodii kaddib, oo qiray in Rasuulku [Muxammad] xaq yahay, oo ay u yimaadeen xujooyin cadcad? Oo Allaah ma hanuuniyo qoomka ah daalimiinta.
  87. Kuwaas jazahoodu waa inay korkooda ku dhacdo lacnadda Allaah, iyo malaa’igta iyo dadka oo dhan.
  88. Wayna ku waarayaan dhexdeeda, lagama khafiifiyo cadaabta, lamana siiyo kansho.
  89. Marka laga reebo kuwa toobad keena intaas kaddib oo wax wanaajiya. Xaqiiqdii, Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  90. Xaqiiqdii, kuwa gaalobay rumayntoodii kaddib oo kororsada gaalnimo, lagama aqbalo toobaddooda, Waana iyaga kuwaas kuwa dhunsan.
  91. Xaqiiqdii, kuwa gaaloobay oo dhinta iyagoo gaalo ah, lagama aqbalo midkoodna dhulka muggi oo dahab ah haddii uu u isku furto. Kuwaasi waxaa u sugnaaday cadaab xanuun badan, mana laha wax u gargaara.
  92. Ma gaari doontaan wanaagga weligiin jeer aad wax ku bixisaan [Jihaadka jidka Alle] waxaad jeceshihiin, wixii aad bixisaanna oo khayr ah, xaqiiqdii Allaah waa og yahay.
  93. Cunto oo dhan xalaal bay u ahayd ilmahii Israa’iil, wixii uu Israa’iil [Yacquub] ka xaaraameeyay maahee naftiisa intii aan lasoo dejin Towraadda. Dheh [Muxammadow], “Keena Tawraadda oo akhriya, haddii aad run sheegaysaan.”
  94. Kii ku been-abuurta Allaah intaas kaddib, waa kuwaas kuwaah daalimiinta.
  95. Dheh [Muxammadow], “Run buu sheegay Allaah, ee raaca diinta Ibraahiim ee toosan, kamana mid ahayn mushrikiinta.”
  96. Xaqiiqdii, Beydkii ugu horreeyay [ee cibaadada] oo loo cayyimay dadka waa kaa ku yaal Bakka [Makka] ee barakada badan, hanuunkana u ah caalamka.
  97. Waxaa dhexdiisa ah Calaamooyin cadcad [tusaale ahaan] Maqaamkii Ibraahiim, kii galaana waa aamin. Oo Allaah wuxuu ku leeyahay dadka u-Xajiyadda Beydka [Kacbada] kii heli kara masaariifta [uu ku jid mari lahaa, dabooli kartana wuxuu raashin iyo degaan wanaagsan ka dhigan lahaa], qofkii gaaloobana [beeniya Xajka] xaqiiqdii [waa mid ku gaalobay Allaah], oo Allaah uma qabo baahi midkoodna uumanka [dadka iyo jinka].
  98. Dheh, “Ehlu-Kitaabow [Yuhuudda iyo Nasaarada]! Maxaad ugu gaaloobeysaan Aayadaha Allaah isagoo Allaah marag ka yahay oo arko waxa aad falaysaan?”
  99. Dheh, “Ehlu-Kitaabow [Yuhuudda iyo Nasaarada]! Maxaad uga hor istaageysaan Jidka Allaah kuwa rumeeyay, idinkoo la doonaya qallooc, idinkoo markhaati ka ah? Oo Allaah ma mooga waxa aad falaysaan.”
  100. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haddii aad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa Kitaabka la siiyay [Yuhuudda iyo Nasaarada], waxay idiin celinayaan iimankiinna ka dambow gaalo.
  101. Oo sidee u gaaloobeysaan idinkoo la idiin akhrinayo Aayadaha Allaah, uuna idin ku jiro Rasuulkiisa [Muxammad]? Qofkiina qabsada Allaah [adeeca Allaah oo ka dhowrsada xumaha] waxaa lagu hanuuniyay Jid Toosan.
  102. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ka cabsada Allaah, ka cabsasho dhan, oo ha ku dhimannina waxaan ahayn Muslimnimo.
  103. Oo qabsada Xarigga Allaah [Qur’aanka], hana noqonnina kuwa qaybsan dhexdiinna, oo xusa Nicmadda Allaah korkiinna ah, waa tii aad cadowga isu ahaydeen, markaasuu wuxuu isu soo dumay qalbiyadiinna, markaas baad ku noqoteen fadligiisa walaalo [diinta] waxaadna aheydeen kuwa qarka u saaran god Naar ah, waana uu idinka badbaadiyay. Sidaas buu Allaah idiinku caddaynayaa Aayadihiisa, si aad u hanuuntaan.
  104. Oo iska soo saaro koox dadka kamid ah oo ugu yeeraya khayrka, oo amreysa al-Macruuf [Towxiidka iyo camallada wanaagsan] oo reebaysa al-Munkar [shirkiga iyo macaasida], waana kuwaas kuwa liibaanay.
  105. Oo ha noqonnina sida kuwa kala qaybsamay ee iskhilaafay kaddib markii ay u yimaadeen xujooyinka cadcad. Kuwaasina waxaa u sugnaaday cadaab wayn.
  106. Maalin [Qiyaamaha] ay caddaan wajiyo, wejiyona madoobaan, kuwa ay madoobaato wajiyadoodu [waxaa lagu oran doonaa], “Ma waxaad gaalowdeen Iimaanka kaddib? Ee dhadhamiya cadaabta [Naarta] gaalnimadiinnii darteed.”
  107. Kuwase ay caddaadaan wajiyadoodu, waxay ku sugnaan Naxariista Allaah [Janno], iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood.
  108. Kuwani waa Aayadaha Allaah aan kuugu akhrinno [Muxammadow] xaq, oo Allaah ma aha mid la doona dulmi uumanka [dadka iyo jinka].
  109. Oo Allaah baa iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka. Oo xagga Allaah baa loo celiyaa umuuraha.
  110. Waxaad tihiin ummadda tan u kheyr badan ee loo soo saaray dadka, waxaad amartaan al-Macruuf [Towxiidka iyo camallada wanaagsan] waxaadna reebtaan al-Munkar [shirkiga iyo macaasida], oo waxaad rumeysan tihiin Allaah, oo haddii ay dadka Kitaabku [Yuhuudda iyo Nasaarada] rumayn lahaayeen, waxay u ahaan laheyd khayr, waxaa kamid ah qaar mu’miniin ah, badankooduse waa faasiqiin.
  111. Idiinma geysan doonaan wax waxyeello ah, dhibid yar ma’ahee; haddiina ay idin la diriraan, waxay idiin jeedin doonaan dabada, loona gargaari maayo.
  112. Waxaa la saaraay dulli meel kasta ay joogaanba, waxaan ahayn markii ay ku hoos jiraan xarig [cahdi, magan] xag Alle, iyo xarig [cahdi, magan] xagga dadka ah, waxay la noqdaan Carada Allaah, oo waxaa la saaray korkooda darxumo. Taasi waxaa ugu wacan inay ku gaaloobaan Aayadaha Allaah oo ku dilaan Nabiyada xaqdarro. Taasi waxaa ugu wacan caasinimadooda iyo xadgudubkooda.
  113. Ma aha isku mid, waxaa ka mid ah ehlu-Kitaabka ummad u taagan [Xaqa], oo akhrida Aayadaha Allaah saacadaha habeenka, iyagoo la dhaca sujuud.
  114. Waxay rumeysan yihiin Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhirada], waxayna amraan al-Macruuf [Towxiidka iyo camallada wanaagsan] oo reebaan al-Munkar [shirkiga iyo macaasida], waxayna u degdegaan kheyrka, kuwaasi waxay kamid yihiin kuwa wanaagsan.
  115. Wixii ay falaan oo khayr ah lagama abaal dhaco, oo Allaah waa og yahay kuwa ka dhowrsada [xumaha].
  116. Xaqiiqdii, kuwa gaaloobay wax ugama tari doonaan maalkooda iyo caruurtoodu midna xagga Allaah, kuwaasuna waa ehlu-Naar, iyagoo ku waaraya dhexdeeda.
  117. Mataalka waxa ay ku bixiyaan nolosha Adduunka waa sida dabayl aad u qabow oo heshay beer qoom naftooda dulmiyay, oo ay baabbi’isay. Ma dulmiyin Allaah, laakiinse iyaga baa naftooda dulmiyay.
  118. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haka yeelannina saaxiib hoose [la-taliyayaal, arrimiyayaal, sokeeye, gacallo, iyo wax lamid ah] wax idinka soo haray [mushrikiinta, Yuhuudda, Nasaarada iyo munaafiqiinta] kama gaabiyaan inay intii karaankooda ah idin fasaadiyaan. Waxay jecel yihiin dhibkiinna. Waxay ka muuqataa necbaanta afafkooda, waxay qarsanayaan laabahooda baa ka wayn. waxaan dhabtii idiin caddaynnay Aayadaha haddii aad wax garaneysaan.
  119. Waa idinka kuwa jecel [gaalada], iyaguse idinma jecla, oo waxaad rumeysan tihiin Kutubta [Towraadda, Injiilka, halka ay ku gaaloobaan Kitaabkiinna Qur’aanka]. Oo markii ay idinla kulmaan waxay yiraahdaan, “Waannu rumaynay.” Markiise ay yihiin keligood, waxay idiin qaniinaan farahooda ciil ay idiin qabaan darti. Dheh, “U dhinta ciilkiinna. Hubaashii, Allaah waa og yahay waxa [siraha] ku jira laabaha.”
  120. Haddii ay idiin taabato wanaag, waa ay murugo galisaa [gaalada], haddiina ay idin asiibto xumaan waa ku farxaan. Haddiise aad sabartaan oo aad ka dhowrsataan [xumaha], idinkama dhibeyso dhagartooda waxba. Hubaashii, Allaah waxay camal falayaan waa uu koobay.
  121. Oo [xus] markii aad [Muxammadow] ka baxday ehelkaaga goor subax hore ah adigoo dejinaya mu’miniinta rugahooda dagaalkii [Uxud]. Oo Allaah waa Maqal Badane, Cilmi Badan.
  122. Markii ay ku sigteen labo kooxood oo idin kamid ah inay wadnaha beelaan [cabsadaan], Allaah baase ahaa Waligoodii [Ilaaliyahooda, gacalkooda, wakiilkooda, gargaarahooda]. Waana inay Allaah uun tala saartaan mu’miniintu.
  123. Oo wuxuu dhabtii Allaah idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo tabar yar ciidan ahaan. Ee ka cabsada Allaah, bal inaad shukridaan.
  124. Oo [xus] markii aad [Muxammadow] ku laheyd mu’miniinta, “Sow idin kuma filla inuu Rabbigiin idinku xoojiyo saddex kun oo malag, oo la soo dajiyay?”
  125. Ilaahoo, haddii aad sabartaan oo ka dhowrsataan [xumaha], cadowguna yimaado isagoo idin kusoo rooraya, wuxuu Rabbigiin idinku xoojinayaa shan kun oo malag, oo astaamo leh [lagu garan karo].
  126. Oo uma yeelin Allaah [arrintaas] wax kale bishaaradiinna maahee, iyo inay ku xasisho qalbiyadiinna. Mana jirto guul aan ahayn xagga Allaah, Awood Badanaha, Xikmadda Badan.
  127. Waa si uu u baal gooyo qaar kamid ah kuwa gaaloobay ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungoobay.
  128. Waxba adiga kuma lihid [Muxammadow] ee Allaah baa leh] go’aanka, haddii uu ka toobad aqbalayo ama ciqaabayo, xaqiiqdii waa daaliimiin.
  129. Oo Allaah baa iska leh waxa ku sugan cirarka, iyo waxa ku sugan dhulka. Wuxuu u dembi dhaafaa kii uu doono, oo ciqaabaa kii uu doono. Oo Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  130. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ha cunina Ribada labolaabyo la laablaabay, oo ka cabsada Allaah aad liibaantaane.
  131. Oo iska jira Naarta loo diyaariyay gaalada.
  132. Oo adeeca Allaah iyo Rasuulka [Muxammad] si la idiinku naxariisto.
  133. Oo u degdega danbi dhaafka Rabbigiin, iyo Janno ballaceedu yahay cirarka iyo dhulka, oo loo diyaariyay kuwa Allaah ka cabsada.
  134. Ee ah kuwa wax ku bixiya [Arrinka Allaah_falalka samafalka ah, sako, sadaqo, iyo wax lamid ah] waqtiga ladnaanta iyo waqti lumaantaba, oo liqa carada ee iska cafiya dadka. Oo Allaah waa jecel yahay muxsiniinta [sama-falayaasha].
  135. Kuwa marka ay falaan zino [galmood xaaraan ah] ama ku dulmiyaan naftooda xumaan falid, xusa Allaah, oo u weydiista dembi dhaaf dembiyadooda; oo ma jiro axad dhaafi kara dembiyada aan ahayn Allaah, oo aan ku adkeysan wixii [xumaan] ay faleen iyagoo ogsoon.
  136. Kuwaas abaalkoodu waa danbi dhaaf xag Rabbigood ah iyo beero ay wabiyadu hoos qulqulayaan [Janno], iyagoo ku waaraya dhexdeeda. Waxaa wanaagsan abaalka kuwa camal fasha.
  137. Waxaa dhabtii tagay hortiin in badan oo dhabbooyin lamid ah [iyo dhibaatooyinka nolosha] ay la kulmeen ummadihii [mu’miniin iyo gaaloba sida waxa aad kala kulanteen dagaaalkii Uxud], ee bal mara dhulka oo fiiriya sida ay aheyd ciribtii kuwii [Xaqa] beeniyay.
  138. Kanu [Qur’aanka] waa hadal u cad dadka, waana u hanuun iyo waano kuwa Allaah ka cabsada.
  139. Ee ha tabar yaraanina [cadowgiinna horti] oo ha murugoonina idinka baa sarreyn haddii aad tihiin mu’miniin.
  140. Haddii uu idin soo gaaray dhaawac [ama dil], waxaa dhabtii soo gaaray dhaawac lamid ah [iyo dil] qoomka kalena. Waana sidaas maalmaha [oo waxay leeyihiin kuwo wanaagsan iyo kuwaa aan sidaa u wanaagsaneyn], waxaana ku siinnaa dadka moogaaleysi, si uu Allaah u imtixaano kuwa [Xaqa] rumeeyay, iyo inuu idinka sameysto shuhado [Allaah darti loo dilay iyo markhaatiyaal]. Oo Allaah ma jecla daalimiinta.
  141. Iyo si uu Allaah u imtixaano [ama kaga daahiriyo] kuwa [Xaqa] rumeeyay [dembiyada] oo u baabbi’iyo gaalada.
  142. Mise waxaad u maleyseen inaad jannada gali doontaan isagoon marka hore Allaah muujinin kuwiinna idinka mid ah ee u jihaada [Arrinkiisa] oo [sidoo kale] muujinnin kuwa sabra?
  143. Oo waxaad dhabtii jeclaan jirteen dhimashada [Inaad shahiidnimo ku dhimataan] ka hor intaydaan la kulmin. Waadna aragteen dhabtii si caddaan ah idinkoo fiirinaya.
  144. Oo ma aha Muxammad jg waxaan ahayn Rasuul, Waxaa dhabtii tagay hortiis Rusul [badan]. Ee haddii uu dhinto ama la dilo ma waxaad dib ugu noqon laheydeen cirbihiinna [gaalo ahaan]? Kiina dib ugu noqdaa cirbihiisa [oo gaalooba], waxba innaba ha la ekaatee ma yeelayo Allaah, Oo Allaah waa abaal marin doonaa kuwa shukriya.
  145. Nafna ma dhimato Idanka Allaah ma’ahee iyo waqtiga loo muddeeyay ka hor. Kii rabaa abaalka adduunyada, wax baan ka siineynaa, kii rabaana abaalka Aakhiro, wax baan ka siineynaa. Waxaana u abaal gudi doonnaa kuwa shukriya.
  146. Waana badnaayeen inta Nabi ee u diriray [Allaah Jidki] waxaana la jirkood [la dagaal galay oo diriray] qolooyin tiro badan oo Rabbi yaqaanno ah. Marnaba ma beelin wadnaha wixii kusoo gaaray darteed Jidka Allaah, oo ma dabcin oo ma liidin naftooda. Oo Allaah waa jecel yahay kuwa sabra.
  147. Mana ahayn qowlkoodu waxaan ahayn, “Rabbiyow! Noo dhaaf dambiyadayada, iyo xadgudubkayaga xagga arrinkeenna, oo noo sug cagahayaga, oo nooga gargaar qoomka gaalada ah.
  148. Markaasuu Allaah siiyay abaalka Adduunyadan iyo abaalka wanaagsan ee Akhirada. Oo Allaah waa jecel yahay muxsiniinta [sama-falayaasha].
  149. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haddii aad adeecdaan kuwa gaaloobay, waxay dib idiinku celinayaan cirbihiinna, waxaadna soo guddoomeysaan idinkoo khasaaray.
  150. Allaah baase ah Mawlihiinna [Rabbigiin, Gargaarihiin, Gacalkiin], Isaga baana u wanaagsan wax gargaara.
  151. Waxaan ku tuuri doonnaa quluubta kuwa gaaloobay argagax, u shariig yeeliddooda Allaah darteed wax aan loo soo dejin wax xujo ah, hoygooduna waa Naar. Muxuuna raas baas ahaaday hoyga daalimiinta [mushrikiinta iyo gaalada].
  152. Oo wuxuu dhabtii Allaah idiin oofiyay yaboohiisii, markii aad ku leyneyseen [cadowgiinna] Idankiisa, ilaa markii aad beesheen geesinnimadii oo aad billowdeen inaad ku murantaan arrinka, oo aad caasiyowdeen kaddib markuu idin tusiyay [qaniimada] aad jeceshihiin. Waxaa idin kamid ah qaar raba adduunyada, oo waxaa idin kamid ah qaar raba Aakhirada, markaasuu idinka jeediyay xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Oo dhabtii waa uu idin cafiyay. Oo Allaah waa u Roon yahay mu’miniinta.
  153. Markii aad cararteen [idinkoo tafaya buuraha oo cabsi idinka buuxdo] aan milicsaneyn cidna, Rasuulkuna [Muxammad] idiinka yeerayo gadaashiinna, oo [Allaah] idinku abaal mariyay murugo ay midi daba taal jaazeyn ahaan si uu idiin baro inaydaan ka tiiraanyoon wixii idin dhaafa, iyo wixii idinku dhaca midna. Oo Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad falaysaan.
  154. Wuxuuna idinku soo dajiyay murugadii kaddib degganaansho lulmo qabatay qaarkiin, halka qaar kale ay ka fakarayeen naftooda [sida ay ku badbaadin lahaayeen. iyagoo ka dan la’aa cid kale iyo Nabigaba] oo waxay ku maleeyeen male xun Allaah oo malihii jaahiliyada ah. Waxay lahaayeen, “Ma ku leennahay wax talo ah arrinka?” Dheh [Muxammadow], “Hubaashii arrinka oo dhan waxaa leh Allaah.” Waxay ku qarinayaan naftooda wax aysan kuu muujinayn, iyagoo leh, “Haddii aan wax talo ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkaan. Dheh, “Xitaa haddii aad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dhimashada loo qoray waxay shaki li’i u soo bixi lahaayeen meesha dhimashadooda, waase si uu Allaah u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u jarribo ama daahiriyo ama uga rido waxa ku jira qalbiyadiinna [oo dembiyo ah], oo Allaah waa ogsoon yahay waxa [siraha] ku jira laabaha.”
  155. Kuwii idin kamid ahaa ee dhabarka jeediyay maalintii ay labada col is-heleen [waa dagaalkii Uxud], waxaa simbiriirixiyay oo keenay inay [ka cararaan goobta dagaalka] Shaydaan sababta xoogaa dembiyo ay kasbadeen awgeed. Oo dhabtii Allaah waa iska cafiyay, hubaashii Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
  156. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwa gaaloobay [munaafiqiinta], oo ku yiraahda walaalahood marka ay ku safraan dhulka ama duullaan yihiin, “Haddii ay nala joogi lahaayeen ma dhinteen lamana dileen,” waa si uu Allaah uga yeelo arrintaas qoomammo qalbiyadooda ah. Oo Allaah baa bixiya nolosha oo sababa geerida. Oo Allaah waxa aad falaysaan waa arkaa.
  157. Oo haddii la idinku dilo Jidka Allaah ama aad dhimataan, danbi dhaaf xagga Allaah ah iyo naxariistiisa baa ka khayr badan waxa ay kulmiyaan.
  158. Oo haddii aad dhimataan ama la idin dilo, Xagga Allaah baa la idiin celinayaa.
  159. Naxariista Allaah darteed baad ugu nuglaatay, haddiise aad ahaan laheyd mid qallafsan oo qalbi adag, waa ka kala tagi Iahaayeen hareerahaaga, ee iska cafi [gefefkooda] oo u danbi dhaaf dalab oo kala tasho arrinka, markaas haddii aad wax goosata talo saaro Allaah [oo ku dhaqaaq]. Xaqiiqdii, Allaah waa jecel yahay kuwa tala saarta.
  160. Haddii uu Allaah idiin gargaarayo, ma jiraan wax idinka adkaan karaa, haddiina uu idin hagranayo, waa kuma kan idiin gargaaraya gadaashiis? Oo Allaah [Keliya] ha tala saarteen mu’miniintu.
  161. Kama suurowdo Nabi inuu wax bursado [oo ku qaato sharci darro] qayb qaniimada ah [maalka lagu furto gaalada waqtiga jihaadka, hantida guud, iyo waxa lamid ah], kiina ka bursada saaxiibadiis wax la xiriira qaniimada, wuxuu keeni doonaa Maalinta Qiyaamaha wixii uu bursaday oo uu ku qaatay [sharci darrada]. Markaas baa waxaa loo oofinayaa naf kasta wixii ay kasbatay iyagoo aan la dulmineyn.
  162. Ma mid raaca Raalli ahaanshaha Allaah [isagoo aan ku qaadaneyn xaqdarro wax kamid ah qaniimada ama hantida guud], baa lamid ah midka usoo jiida naftiisa Carada Allaah [ee ku qaata wax kamida qaniimada ama hantida guud xaqdarrada ghuluul] hoygiisu waa Naar, iyada baana u xun meel loo noqdo.
  163. Waa heerar iyo darajooyin kala duwan yihiin Allaah agti, oo Allaah waa arkaa waxa ay falayaan.
  164. Wuxuu dhabtii ku galladeystay Allaah [Nicmo Wayn] mu’miniinta markii uu usoo diray Rasuul [Muxammad] kamid ah, oo u akhrinaya Aayadihiisa [Qur’aanka], oo ka daahirinahaya [dembiyada], oo baraya Kitaabka [Qur’aanka] iyo Xikmadda [Sunnada] iyagoo kahor ku sugnaa baadi cad.
  165. [Muxuu xaalkiinnu yahay idinku] markii ay masiibo qur ahi idin garaacdo iyadoo aad garaacdeen [cadowyadiinna] labo laabkeed mid ka wayn, waxaad dhahdeen, “Waxakanu sidee noogu dheceen?” Dheh, “Waa wax ka yimid naftiinna [sababta denbiyadiinna iyo waxa aad gasheen oo macaasi ah].” Xaqiiqdii, Allaah wax walba waa Karaa.
  166. Wixii idinku dhacayna [oo dhibaato ah] maalintii [dagaalkii Uxud markii ay] labada col is heleen, waxay aheyd Idanka Allaah, si uu u imtixaano mu’miniinta.
  167. Iyo si uu u imtixaano munaafiqiinta, oo inta lagu yiri, “Kaalaya, ku dirira Jidka Allaah ama [ugu yaraan] difaaca naftiinna.” Waxay yiraahdeen, “Haddii aan ogaan lahayn in dagaalkaa dhici doono, hubaashii waa idin raaci lahayn.” Waxay ahaayeen maalintaas kuwa uga dhow gaalnimada iimaanka, iyagoo ka lahaa afafkooda wax aan ku jirin quluubtooda. Oo Allaah waa ogsoon yahay waxa ay qarinayaan.
  168. Waa kuwa ka yiri walaalahood [munaafiqiinta] la dilay iyagoo iyagu naf ahaantoodu fariisteen [guryaha], “Haddii ay na maqli lahaayeen lama dileen.” Dheh, “Ka celiya naftiinna mowdka, haddii aad run sheegaysaan.”
  169. Oo ha moodina kuwa lagu dilay jidka Allaah kuwa dhintay, mayee waa nool yihiin Rabbigood agtiiis, oo lagu irzaaqaa.
  170. Iyagoo ku faraxsan waxa uu Allaah siiyay oo Fadligiisa ah, oo ku bishaareysta arrinka kuwa aan weli kusoo biirin, ee looga soo tagey gadaal [aan weli shahiidin] inaysan korkooda cabsi ahaan doonin iyo murugo midna.
  171. Waxay ku bishaareystaan Nicmo xagga Allaah ah iyo Fadli, iyo inuusan Allaah dayacin ajarka mu’miniinta.
  172. Kuwii ajiibay [maqlay] Allaah iyo Rasuulka [Muxammad] kaddib inta uu soo gaaray dhaawacu, kuwooda kamid ah oo falay wanaagga oo ka cabsaday Allaah, waxay leeyihiin ajar wayn.
  173. Kuwii [mu’miniintii] ay dadku [munaafiqiinta] ku yiraahdeen, “Xaqiiqdii dadkii [gaaladii] baa idiin soo kulmay, ee ka baqa, waxayse [oo keliya] u kordhisay iimaan, oo waxay yiraahdeen, “Waxaa nagu filan Allaah, Isaga baana u wanaagsan wakiil ahaan.”
  174. Markaasay waxay la noqdeen Nicmo xagga Allaah ah, oo ma taaban xumaan, waxayna raaceen Raalli ahaanshaha Allaah. Oo Allaah waa Kan iska leh Fadliga wayn.
  175. Waa oo keliya uun Shaydaan kan idinku cabsi galiya Awliyadiisa [taageerayaashiisa iyo saaxiibbadiis: mushrikiinta, gaalada, munaafiqiinta] ee haka cabsannina, ee Aniga [Keliya] iga cabsada, haddii aad tihiin mu’miniin.
  176. Oo yaysan ku murugeen [Muxammadow] kuwa u degdega gaalnimada, xaqiiqdii waxna haba yaraatee kama dhimi doonaan Allaah. Wuxuu rabaa Allaah inuusan ka siin wax saami ah Aakhirada, waxayna leeyihiin cadaab wayn.
  177. Xaqiiqdii, kuwa siistay gaalnimo Iimaanka, Allaah waxba kama dhimi doonaan, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
  178. Oo yaysan moodin kuwa gaaloobay in dib u dhigiddayada ciqaabiddooda ay kheyr u tahay. Waxaannu ugu dib dhigeynaa ciqaabta oo keliya si ay u kororsadaan dambi. Waxayna leeyihiin cadaab duleysa.
  179. Ma aha Allaah mid ku dhaafa mu’miniinta xaaladda aad ku sugan tihiin, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan, mana aha Allaah mid idin daalacsiinaya siraha Ghaybka [waxa qarsoon aan muuqan], laakiinse Allaah wuxuu ka doortaa Rusushiisa kii uu doono. Ee rumeeya Allaah iyo Rusushiisa. Haddiina aad rumaysaan oo ka cabsataan Allaah, waxaad leedihiin ajar wayn.
  180. Oo yaysan moodin kuwa ku bakhayla waxa uu siiyay Allaah oo Deeqdiisa ah inay khayr u tahay [sidaa awgeed aan bixin Sakada waajibka ah], mayee waxay u tahay shar, waxaa luqunta loo suri doonaa waxay ku bakhayleen oo mareegyo ah Maalinta Qiyaamaha. Oo Allaah baa iska leh dhaxalka cirarka iyo dhulka, oo Allaah waxa aad falaysaan waa u Xog Ogaal.
  181. Dhabtii, Allaah waa maqlay qowlka kuwaa [Yuhuudda ah] ee yiri, “Allaah waa faqiir innaguna waxaannu nahay hodan.” Waan qoraynaa waxay yiraahdeen iyo ku diliddoodii anbiyada xaq darrada, waxaannuna ku oran doonnaa, “Dhadhamiya cadaabta gubashada.”
  182. Waxakani waa wixii [xumaanihii] ay gacmihiinnu geysteen. Oo hubaashii, Allaah ma aha mid dulmiya addoomaha.
  183. Waa kuwa [Yuhuudda ah] ee yiri, “Xaqiiqdii, Allaah wuxuu nagula ballamay inaannaan rumeyn Rasuulna jeer uu noo la yimaado qurbaan uu dabka [ka iman cirka] cuno.” Dheh, “Waxay dhabtii idiinla yimaadeen Rusullo iga horreeyay xujooyin cadcad iyo waxaad sheegteen, ee maxaad u disheen haddii aad run sheegaysaan?”
  184. Haddii ay ku beeniyaan [Muxammadow] sidaa oo kale baa loo beeniyay Rusul kaa horraysay, oo la yimid xujooyin cadcad iyo Qoraallo iyo Kitaab wax ifiya.
  185. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geerida. Oo keliyana Maalinta Qiyaame baa la idiinku oofin doonaa ajarradiinna si dhan. Ee kii laga durkiyo Naarta oo la galiyo jannada, dhabtii waa libaanay. Oo ma aha nolosha adduunka waxaan ahayn raaxo dhalanteed ah [oo lagu dagmo].
  186. Hubaashi waan idinku imtixaameynaa maalkiinna iyo naftiinna, waxaadna hubaashii ka maqli doontaan kuwa la siiyay Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] ee idinka horreeyay iyo mushrikiintaba wax badan oo idin dhiba. Haddiise aad sabartaan oo Allaah ka cabsataan, xaqiiqdii, arrintaasi waa waxyaalaha waawayn ee loo qasdo [oo waajibka ah inaad heysataan intii karaankiinna ah].
  187. Oo [xus] markii uu ka qaaday Allaah wacadka kuwii la siiyay Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] inaad u caddaysaan dadka [arrinka imaanshaha Nabi Muxammad iyo Islaamka] oo aydaan qarin, waxayse ka tureen dhabarradooda gadaashood, oo ku iibsadeen qiimo yar. Xumaa waxa ay siisteen!
  188. Ha moodina in kuwa ku farxa waxa ay faleen [ama la yimaadeen], oo jecel in lagu ammaano wax aysan falin, ha moodina inay ka badbaadiyaan cadaabta, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
  189. Oo Allaah baa iska leh mulkiga cirarka iyo dhulkaba, oo Allaah wax walba wuu Karaa.
  190. Xaqiiqdii! Abuuridda cirarka iyo dhulka iyo is dhaafka habeenka iyo maalintaba, waxaa ugu sugan dhabtii calaamooyin wax garadka.
  191. Kuwa ku xusa Allaah joog iyo fadhi iyo jiifba, oo uga fekera si qoto dheer abuuridda cirarka iyo dhulka [iyagoo leh], “Rabbiyoow! Uma aadan abuurin waxaan [oo dhan] dheel, Adigaa Nazahane naga badbaadi cadaabta Naarta.”
  192. “Rabbiyow! Xaqiiqdii, kii aad Adigu galiso Naarta, dhabtii waa dulleysay, daalimiintuna [mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha] uma sugnaan gargaarayaal.”
  193. “Rabbiyow! Waxaan innagu xaqiiqdii maqallay dhawaaqa mid [Muxammad] wax ugu yeeraya Iimaanka [oo leh], ‘Rumeeya Rabbigiin,’ markaasaan rumaynay ee Rabbiyow noo dhaaf dunuubtayada, oo noo asatur xumaanahayaga, oo na oofso la jirka kuwa baarriga ah [wanaagsan].”
  194. “Rabbiyow! Na sii waxa aad noogu yaboohday Rusushaada oo hana dureyn Maalinta Qiyaamaha, Adigu kama baxdide ballanka.”
  195. Markaasuu Rabbigood ka aqbalay [ducadoodii oo ugu jawaabay], “Anigu ma dayaco camalka midkiin walbaa oo idin kamid ah oo camal san falay, ahaayayaa lab ama dheddig, waxaad tihiin [kuwo] is leh qaarkiinba qaarka kale, ee kuwii soo haajiray, ee looga saaray guryahooda debedda, ee loo dhibay Dartey, ee diriray ee loo dilay Arrinkeyga, Waxaan xaqiiqdii u asturi doonaa xumaanahooda oo galin doonaa beero ay wabiyadu hoos qulqulayaan [Jannada gudaheeda], waa Abaalmarin xagga Allaah ah, oo Allaah agti bay ahaatay abaalmarinta wanaagsan.
  196. Yaysan ku hodin galoobbaxa [iyo barwaaqada] kuwa gaaloobay ee dhulka.
  197. Waa raaxo yar, kaddib hoygoodu waa Naar, iyada baana u xun gogol.
  198. Laakiinse, kuwa ka cabsada Rabbigood, waxay leeyihiin beero ay webiyadu hoos qulqulayaan [Jannada gudaheeda] iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, waa martiqaad xagga Allaah ah, waxa Allaah agti ah baana u kheyr badan kuwa baarriga ah [ee wanaagsan].
  199. Ehlu-Kitaabka waxaa kamid ah kuwo rumeysan Allaah, iyo waxa la idiin soo dajiyay, iyo wixii loo soo dajiyay iyagoo u khushuuca Allaah, aan ku gadan Aayadaha Allaah qiimo yar [siisan adduun]. Kuwaas waxaa u sugnaaday abaal wanaagsan Rabbigood agti. Hubaashii, Allaah waa ku Dhaqsi Badan yahay xisaabta.
  200. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Sabra oo ka sabar badnaada [cadowgiinna], oo gaar ka haya dhulkiinna idinkoo uga rug sameynaya unugyo ciidan ah si joogto ah meelaha aad fileysaan inuu cadowga idiinka imaan karo, oo ka cabsada Allaah aad liibaantaane.

Suuradda 4aad: An-Nisaa’ [Haweenka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin, ee idin ka abuuray naf keliya [Aadam], oo ka abuuray xaggeeda afadiisa [Xawwaa], labadoodana wuxuu Allaah ka abuuray rag iyo haween tiro badan ee ka cabsada Allaah oo ah Kan aad isku weydiisataan [xuquuqdiinna], oo [ha goynina xiriirka] qaraabada. Hubaashii, Allaah waa Mid idiin Jeeda oo kor idinka ilaalinaya.
  2. Oo siiya agoonta maalkooda, oo ha kaga beddelannina waxyaalahiinna waxooda wanaagsan; hana ka dhimina maalkooda [idinkoo ku darsanaya] maalkiinna. Hubaashii taasi waa dembi wayn.
  3. Oo haddii aad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmin si caddaalad ah gabdhaha agoonta ah, guursada wixii idinla fiicnaada oo haween [kale] ah: labo, saddex iyo afarba. Haddiise aad ka cabsataan inaydaan ula dhaqmin si caddaalad ah [haweenkaa, guursada] mid keliya ama [haweenka addoomaha ah] ay gacmahiinnu midig hanatay. Sidaas baa u dhow inaydaan dulmi faline.
  4. Oo siiya haweenka [aad guursataan] meherkooda waajibka ah, haddiise ay idiinka raalli noqdaan [oo idiin cafiyaan] wax kamid ah meherka cuna isagoo xalaal ah wanaagsan.
  5. Oo ha siinnina makasta maalkiinna uu Allaah idiinka dhigay wax aad ku dhaqan tihiin, kase quudiya oo arrad tira, oo kula hadla hadal wanaagsan oo gar ah.
  6. Oo jarriba [imtixaama] agoomaha [xagga garashadooda iyo caqligooda] marka ay gaaraan da’da guurka, haddii aad ku aragtaan wax garadnimo siiya maalkooda, hana u adeegsannina si xadgudub ah iyo ka degdegis intayan waynaan, kii kamid ah wakiillada oo qani ah, waa inuusan qaadan wax ujro [kharaj] ah, haddiise uu faqiir yahay, ha u qaato naftiisa wixii gar iyo caqli gal ah [oo waafaqsan camalka uu u hayo]. Markii aad u fasaxeysaanna maalkooda, u yeela markhaati iyagoo jooga, oo Allaah ku filan xisaabiye ahaan.
  7. Ragga waxaa u sugnaaday saami kamid ah waxa ay ka tageen labada waalid iyo qaraabadu, haweenkana waxaa u sugnaaday saami kamid ah waxa ay ka tageen labada waalid iyo qaraabadu, hantidaa yaraatayaa ama badnaatayaa waa saami la gooyay oo sharci ah.
  8. Oo haddii ay joogaan qaybta qaraabo, agoon iyo masaakiin [aan dhaxalka wax ku lahayn] wax ka siiya, oo kula hadla hadal wanaagsan oo gar ah.
  9. Hana ku hayeen maankooda kuwaasi [loo xilsaaray fulinta dardaaranka iyo wakiillada] isla baqdintaa la mid ah midda ay u qabi lahaayeen tooda gaarka ah, haddii ay uga tegi lahaayeen carruur maxas ah gadaashooda, ee haka cabsadeen Allaah oo ha ku hadleen hadal toosan.
  10. Xaqiiqdii kuwa xaqdarrada ku cuna maalka agoonta, waxay uun ku cunayaan caloolahooda dab, waxayna gali doonaan iyagoo ku guban Naarta ololka badan.
  11. Wuxuu idinkala dardaarmayaa Allaah carruurtiinna, labku wuxuu leeyahay [dhaxal ahaan] saami iyo qayb le’eg kan labo dheddig, haddii ay yihiin haweenka labo ama ka badan saamiga ay wadaagayaan waa saddex meeloodoo labo meelood wixii uu ka tagey oo dhaxal ah; haddii ay tahay mid keliya, saamiga iyo qaybteedu waa bar. Xaggase waalidka, lix meelood oo meel oo dhaxalka laga tagey ah buu midkood walbaa leeyahay, haddii uu mowtahana ka tagey ilmo, haddii uusan lahayn ilmo oo waalidkuna yihiin kuwa [keliya] ee dhaxlaya, hooyadu waxay leedahay saddex meeloodoo meel; haddii uu mowtahana walaalo leeyahay ama [walaalooyin], hooyadu waxay leedahay lix meeloodoo meel. [Qaybintu xaaladahaa oo dhan waxay dhici] kaddib marka laga bixiyo dhaxalka wixii uu ka dardaaramay in la bixiyo oo dardaaran ah ama deymo. Ma ogidin koodii waalidkiin ama ilmihiinna idiin dhow waxtar ahaan, [saamiyadan iyo qaybahan la gooyay] waxaa waajibiyay Allaah. Oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  12. Waxaa idiin sugnaaday bar waxa ay ka tagaan afooyinkiinnu, haddii aysan lahayn ilmo. Haddiise ay ka tagaan ilmo waxaad leedihiin afar meeloodoo meel waxa ay ka tagaan, kaddib markii la bixiyo dardaarannada ay ku dardaarmeen ama deymo. Iyaguna [afooyinkiinna] saamiga iyo qaybtoodu waa afar meeloodoo meel waxa aad ka tagtaan haddii aydaan lahayn ilmo, haddiise aad ka tagtaan ilmo waxay leeyihiin siddeed meeloodoo meel waxa aad ka tagtaan, kaddib marka la bixiyo dardaarannada ay ku dardaarmeen ama deymo, haddii uu ninka ama haweenta dhaxalkiisu arrinta taagan tahay uusan lahayn waalid [asal ahaan uu ka yimid hooyo, aabbe, awoowayaal xagga aabbaha ah] iyo carruur [ka farcamay carruur uu dhalay ama wax ay sii dhaleen] midna, ha yeeshee uu ka tagey walaal ama wallaalley, midkood walbaa oo labada kamid ah wuxuu leeyahay lix meeloodoo meel, haddiise ay intaas ka badan yihiin waxay wadaagayaan saddex meeloodoo meel kaddib markii la bixiyo dardaarannada uu isagu [ama iyadu] ka dardaarmay ama deymo, sidaa waa si ayan wax u waayin oo khasaaro usoo gaarin [cidna]. Tani waa amar ka yimid Allaah, oo Allaah waa Cilmi Badane, Dul badan.
  13. Kuwakani waa xuduudaha [uu dhigay] Allaah [ama faralyo la xiriira xeerarka dhaxalka], oo kii adeecaa Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad] waxaa la galin doonaa beero ay webiyadu hoos qulqulayaan [Jannada gudaheeda], iyagoo ku waaraya dhexdeeda, taasina waa liibaan wayn.
  14. Kiise ku caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad] oo ka tallaaba xuduudiisa, Wuxuu galin doonaa Naar isagoo ku waaraya dhexdeeda, wuxuuna leeyahay cadaab duleysa.
  15. Kuwa la yimaada xumaan [zino] oo haweenkiinna kamid ah, uga dhiga markhaati afar idin kamid ah, haddii ay marag furaan, ku haya [haweenkaa zinada ku caddaatay] guryaha ilaa uu mowdku ka oofsado ama uu u yeelo Allaah iyagaa jid.
  16. Labadii [ninka iyo naagta] idin kamid ah ee la yimaada zino [galmood xaaraan ah] ciqaaba, haddii ay toobad keenaan oo wanaagsanaadaan iska daaya. Hubaashii, Allaah waa toobad aqbale, Naxariis Badan.
  17. Allaah sideedaba wuxuu aqbalaa toobada kuwa u fala xumaanta jahli darti, oo durbaba toobad keena marka kaddib, waa kuwaas kuwa Allaah ka toobad aqbalo oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  18. Uma leh qiimo toobada kuwa ku socda inay falaan xumaha ilaa geerida u timaaddo midkood uuna markaas yiraahdo, “Haddaan toobad keenayaa,” iyo kuwa dhinta iyagoo gaalo ah midna. Kuwaas waxaan u diyaarinnay cadaab xanuun badan.
  19. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Idiinma bannaana inaad u dhaxashaan haweenka xoog, waana inaydaan ula dhaqmin si xun oo ad’adeyg ah, si aad uga qaadataan qaar kamid ah meherkii aad siiseen, inay la yimaadaan maahee zino cad. Oo ula dhaqma si fiican. Haddii aad nacdaan waxaa suurowda inaad nacdaan wax uu ka yeelo Allaah dhexdiisa khayr badan.
  20. Haddiise aad doontaan inaad ku beddelataan afo meesheed afo kale idinkoo siiyayna middood qandaar [dahab ah, waa lacag tiro badan] meher ahaan, waxba haba yaraatee oo kamid ah waxaas aad siiseen haka ceshannina; ma waxaad ku qaadanaysaan dulmi iyo xaqdarro ay idiin [wehliso] danbi cad?
  21. Oo sidee uga qaadaneysaan idinkoo isu tegey ayna idinka qaadeen wacad adag?
  22. Oo ha guursannina haween ay aabbayaashiin guursadeen wixii horay u tegay ma ahee. Xaqiiqdii taasi waa wax ceeb ah oo fool xun oo caro Alle leh iyo jid baas.
  23. Waxa la idinka xaaraameeyay [inaad guursataan waa] hooyooyinkiin, gabdhihiinna, walaalooyinkiin, eeddooyinkiin, habaryarihiin, gabdhaha walaalkaa iyo gabdhaha walaashaa, hooyooyinka idin nuujiyay, walaalooyinkiin nuugmada, hooyooyinka afooyinkiinna, gabdhaha guryihiinna jooga oo ay dhaleen haweenkiinna aad u tagteen, haddii aydaan u tagin [u galmoon] ma jiro wax dembi ah oo saaran korkiinna [inaad guursataan gabdhahooda], afooyinka wiilashiinna ka yimid dhabarradiinna iyo inaad labo walaalo ah kulmisaan mar keliya guur ahaan, wixii horay u tegay ma ahee; xaqiiqdii, Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  24. [Waxaa kaloo idinka reebban] haweenka la qabo waxay hantaan gacmahiinnu midig ma ahee. Sidaas buu Allaah idinku waajibiyay. Waxa kale oo idil waa idiin xalaal inaad ku doonataan [guur ahaan] meher aad ka bixisaan maalkiinna idinkoo doonaya dhowrsanaan, aan la imaaneyn zino [galmood xaaraan ah], ee waxoodii aad ku raaxaysataan oo aad isu tagtaan siiya meherkooda go’an, waa faral Alle, ma jiro wax dembi ah oo korkiinna ah waxa aad isaga raalli noqotaan meherkii la gooyay kaddib. Hubaashii Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  25. Kiise kastoo aan awoodin oo idin kamid ah dhaqaalo uu ku guursado dhowrsoonooyinka xorta ah ee mu’minaatka ah, waxay guursan karaan waxay hanatay gacmahiinna midig oo ah gabdhaha mu’minaatka ah, oo Allaah waa og yahay iimaankiinna, waxaad tihiin qaar is leh. Ee ku guursada idanka ehelkooda [wakiilladooda, weliyadooda, ama cidda mas’uulka ka ah] oo siiya meherkooda oo si la yaqaan ah; waase inay [kuwaa addoomaha ah ee la soo xusay] ahaadaan dhowrsanooyin, xumaan [zino] ka dheer, oo aan yeelaneyn saaxiibbo hoosaad. Markii la guursado kaddib, haddii ay la yimaadaan xumaan [zino], ciqaabtoodu waa barkeed ciqaabta dhawrsanooyinka xorta ah [aan weli la guursan] ku waajibta [haddii ay zineystaan]. Tanina [guursiga haweenka addoomaha dhowrsoon ee mu’minaatka ah] waa kiinnii idin kamid ah oo ka baqa inay dhibi soo gaarto diintiisa ama jirkiisa, waxaase idiin wanaagsan inaad sabartaan [adkeysataan], oo Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  26. Wuxuu rabaa Allaah inuu idiin caddeeyo [wixii xalaal ah iyo wixii xaaraan ah], oo idinku hanuuniyo inuu idin tuso jidadka kuwii idin ka horreeyay, oo uu idinka toobad aqbalo, oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  27. Wuxuu Allaah rabaa inuu idinka toobad aqbalo, kuwase raaca hawooyinkooda, waxay rabaan inaad idinku [mu’mimiintoy] ka weecataan [Jidka Toosan] weecasho wayn.
  28. Wuxuu rabaa Allaah inuu idinka fududeeyo culeyska, waxaase lagu abuuray aadanaha dacfi.
  29. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haku kala cunina maalkiinna dhexdiinna xaqdarro inay tahay maahee ganacsi aad raalli isaga tihiin. Oo ha dilina naftiinna. Hubaashii, Allaah waa idiin Naxariis Badan yahay.
  30. Oo qofkii u falaa waxaas xadgudub iyo gardarro, waxaannu galin doonnaa Naar, taasina Allaah waa u fududdahay.
  31. Haddii aad ka fogaataan dembiyada waawayn ee la idinka reebay inaad fashaan, Waxaan idin dhaafi doonnaa dembiyadiinna [yaryar], oo idin galin doonnaa meel gal wanaagsan.
  32. Oo ha jecleysannina waxa uu Allaah kaga faddilay oo dheereysiiyay qaarkiinba qaarka kale. Raggu waxay leeyihiin saami [qayb] wixii ay shaqeysteen ah, [sidoo kalena] haweenku waxay leeyihiin saami [qayb] wixii ay shaqeysteen ah, oo weydiista Allaah Deeqdiisa. Hubaashii, Allaah wax walba waa ogsoon yahay.
  33. Ku walbaana Waxaan u yeelnay dhaxlayaal [dhaxla] wixii [hanti ah] ay ka tageen waalidka iyo qaraabada. Kuwaadna isla gasheen ballan [walaaltinnimo] ku siiya saamigooda wasiya [dardaaran] ahaan [uu ka dardaarmo qofka marka uu dhimanayo]. Xaqiiqdii, Allaah wax kasta waa u Jeedaa oo waa u Marag.
  34. Raggu waa dhaqayaasha iyo mas’uulka haweenka, ka fadilidda Allaah qaarkood [ragga] uu ka faddilay [wax dheereysiiyay] qaar [dumarka] darteed, iyo sababta inay raggu ku masruufaan maalkooda. Sidaa awgeed haweenka wanaagsan waa ay adeecaan raggooda, oo xafidaan marka maqnaashaha ninka wixii Allaah amray in la xafido [dhowrsanidooda, jirkooda, iyo maalka ninkooda, iyo wax lamid ah]. Haweenkase aad xaggooda ka aragtaan dhaqanxumo, waaniya [marka hore], [marka xiga] ka fogaada inaad la wadaagtaan jiifka, [ugu dambaynna] garaaca [garaac aayar ah aan dhib geysaneyn, haddii ay garaaciddu keeneyso wanaag], haddii ay idin adeecaan, ha doondoonina waxyaalo iyo arrimo [dhibkood ah]. Xaqiiqdii Allaah waa Sarreeye Wayn.
  35. Oo haddii aad ka baqdaan kala go’ dhexdooda ah [ninka iyo xaaskiisa], saara [labo] garsoorayaal ah, mid uu ka socda ehelkiisa kan kalena uu ka socda ehelkeeda, haddii ay rabaan [ninka iyo xaaskiisa] heshiis [samaan], Allaah waa is waafajinayaa. Xaqiiqdii, Allaah waa Cilmi Badane, Xog Ogaal ah.
  36. Oo caabuda Allaah oo ha u shariik yeelina waxna, oo wanaajiya labada waalid, qaraabada, agoomaha, masaakiinta, deriska qaraabada ah, deriska durugsan, saaxiibka dhinacaaga jooga, tub-ku-joogaha, iyo waxay hantaan gacmahiinnu midig. Xaqiiqdii, Allaah ma jecla kuwa is-qaadqaada oo faanka badan.
  37. Oo ah kuwa bakhayla oo ku amra dadka bakhaylnimada, oo qariya waxa uu Allaah siiyay oo Deeqdiisa ah. Waxaannuna u diyaarinnay gaalada cadaab *dufeysa.
  38. Iyo kuwa u bixiya maalkooda istuska dadka, oo aan rumeysnayn Allaah iyo Maalinta Aakhiro [kuwaas waa saaxiibbada Sheydaan], qofkiina ka dhigtaa Sheydaan rafiiq, muxuu rafiiq xun yeeshay!
  39. Oo maxaa ka bi’i lahaa haddii ay rumeyn lahaayeen Allaah iyo Maalinta Dambe, oo bixiyaan wax kamid ah waxa uu ku irzaaqay Allaah? Oo Allaah waa Ogsoon yahay iyaga.
  40. Hubaashii! Allaah ma dulmiyo wax saxar le’eg [ama quraano yar], haddii ay wanaag tahayna, waa labalaabaa, oo ka bixiyaa xaggiisa Ajar Wayn [Janno].
  41. Ee sidee [bay ahaan doontaa] marka aan ka keenno ummad walba markhaati, oo aan kuu keenno adiga [Muxammadow] korkooda markhaati ahaan?
  42. Maalintaas waxay jeclaan doonaan kuwii gaaloobay oo caasiyay Rasuulka [Muxammad] in lala simo [uu liqo] dhulka oo ahaadaan ciid [carro], kamana qariyaan Allaah arrin qura.
  43. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan jeer aad ka garataan waxa aad leedihiin, iyo [sidoo kale] idinkoo janaaba [qasli] qaba inaad jid gudbaysaan maahee [dhex mareysaan masjid] jeer aad meyrataan. Oo haddi aad tihiin kuwo jirran ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idin kamid ah kor tag [saxarood], ama aad is taabataan haween [isu tagtaan ama galmootaan xaasaskiinna], oo aydaan helin biyo, ku goggobeysta carro wanaagsan oo ku masaxa [mariya] wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Xaqiiqdii Allaah waa Cafis Badane, Dambidhaaf Badan.
  44. Ma waadan ogaan kuwaa laga siiyay saami [qayb] Kitaabka ah [Towreedda] ee gadanaya habowga, oo rabana inaad ka dhuntaan Jidka Toosan.
  45. Oo Allaah baa ogsoon cadowyadiinna, oo Allaah ku filan Wali [Ilaaliye, Wakiil] ahaan, oo Allaah ku filan Gargaare ahaan.
  46. Kuwii Yuhuudoobay waxay ka leexiyaan kelmadaha meeshooda [xaqa ah] oo yiraahdaan, “Waan maqallay hadalkaaga [Muxammadow] oo ku caasinnay,” maqal oo waxna [Muxammadow] ha maqlin, oo raacinaa [Carabi ahaan macnaheedu waa ‘Nasoo eeg,’ afka Yahuuddana wuxuu u dhacaa macnaha ‘Keennii noogu xumaayow’] ku leexin iyo iilin carrabyadooda iyo durid ahaan diinta lslaamka] darteed, haddii ay oran lahaayeen, “Waan maqallay oo adeecnay oo maqal iyo undurnaa [nasoo day]” baa u khayr badnaan lahayd oo u toosnaan lahayd, laakiinse Allaah baa ku lacnaday gaalnimadooda darteed, mana rumeeyaan wax yar maahee.
  47. Kuwa la siiyow Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada]! Rumeeya waxa aan soo dejinnay oo rumeynaya waxa aad haysataan ka hor inta aannaan malaasin wajiyo Annagoo ka dhigeynna sida qoorta dhinaceeda dambe [sur oo kale san, af, iyo indho la’aan, iyo wax lamid ah], ama aannaan u lacnadin sidii aan u lacnadnay Sabti-jabiyayaashii. Oo Amarka Allaah waa mid mar waliba qabsooma.
  48. Xaqiiqdii Allaah ma dhaafo in loo shariigyo yeelo cibaadada cid kale, wuxuuse u dhaafaa wixii [taas ka yar] kii uu doono, qofkiina u shariig yeela Allaah, wuxuu dhabtii been abuurtay danbi wayn.
  49. Ma waadaan ogaan kuwa ku ammaanaya naftooda daahirnimo? Mayee Allaah baa daahiriya kii uu doono, mana laga dulmiyo wax le’eg falliir [xuubka ku dahaaran lafta timirta].
  50. Fiiri sida ay ugu been abuuranayaan Allaah, iyadaana taasi ugu filan danbi cad.
  51. Ma waadan ogaan kuwii la siiyay qayb kamid ah Kitaabka? Waxay rumeynayaan jibti [sixir] iyo daaquud [Sheydaan] waxayna ku yiraahdaan kuwa gaaloobay, “Kuwan [mushrikiinta ah] baa ka hanuunsan kuwaa mu’miniinta ah [Muslimiinta] jid ahaan.”
  52. Kuwaas waa kuwa uu Allaah lacnaday, kii uu Allaah lacnadaana uma heshid gargaare.
  53. Mise waxay ku leeyihiin qayb mulkiga? Markaas ma ayan siiyeen dadka naqiirna [xuubka ku yaal dhabarka lafta timirta].
  54. Mise waxay ku xasdayaan dadka [Muxammad iyo kuwa raaca] waxa uu Allaah siiyay oo Deeqdiisa ah darteed? Waxaan dhabtii siinnay reer Ibraahiim Kitaabka iyo Xikmadda, oo waxaan siinnay mulki wayn.
  55. Waxaa kamid ah [qaar] rumeeyay [Muxammad], waxaana kamid ah [qaar] ka duway wejiyadooda xaggiisa [Muxammad], waxaana ugu filan Naar inay gubto.
  56. Hubaashii! Kuwa ku gaaloobay Aayadahayaga, waxaan galin doonnaa oo ku gubi doonnaa Naar, mar kasta oo ay ku shiilmaan hargahoodu, waxaan ugu beddeli doonnaa haragyo kale si ay u dhadhamiyaan cadaabta. Xaqiiqdii, Allaah waa Awood Badane, Xikmad Badan.
  57. Kuwase [Xaqa] rumeeyay ee fala camallo wanaagsan oo suubban, waxaan galin doonnaa beero ay wabiyo hoos qulqulayaan [Jannada gudaheeda], iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood. Waxay ku leeyihiin dhexdeeda afooyin daahir ah [oo aan lahayn xayl, saxaro, kaadi, iyo wax lamid ah] Waxaana galin doonnaa hoosas harac ah.
  58. Xaqiiqdii, Allaah wuxuu idin amrayaa inaad siisaan ammaanooyinka ehelkeeda, oo marka aad kala xukumaysaan dadka inaad ku kala xukuntaan caddaalad. Xaqiiqdii, Allaah waxaa wanaagsan waxa uu idinku waaninayo. Hubaashii, Allaah waa Maqlid Badane, Arkid Badan.
  59. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka [Muxammad], iyo kuwaa idin kamid ah oo [Muslimiinta] ee idiin haya xukunka. Haddiina aad wax isku qabataan, u celiya Allaah iyo Rasuulka, haddii aad rumeysan tihiin Allaah iyo Maalinta Aakhiro. Sidaas baa khayr badan oo cirib wanaagsan.
  60. Ma waadan ogaan kuwa [munaafiqiinta] sheeganaya inay rumeysan yihiin waxa lagugu soo dajiyay iyo wixii lasoo dajiyay hortaa, rabana inay u xukuntamaan daaquud [Sheydaan] iyagoo la amray inay ku gaaloobaan. Wuxuuna rabaa Shaydaan inuu u lumiyo lumitaan fog.
  61. Oo marka lagu yiraahdo, “U kaalaya waxa uu Allaah soo dajiyay iyo Rasuulka [Muxammad], waxaad [Muxammadow] arkaysaa munaafiqiinta oo kaa jeesanaya sii jeesi.
  62. Waa sidee marka ay ku dhacdo musiibo wixii ay gacmahoodu geysteen ah, markaasna ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaranaya Allaah [oo leh], “Ma aannaan rabin waxaan ahayn wanaag iyo towfiiq.”
  63. Kuwaasu [munaafiqiinta] waa kuwa uu Allaah og yahay waxa ku jira qalbiyadooda, ee isaga jeeso oo waani, oo kula hadal hadal xeel dheer oo gaara maqalkooda hoose.
  64. Uma aannu soo dirin Rasuul waxaan ahayn in lagu adeeco Idanka Allaah. Haddii ay [munaafiqiintu] markii ay dulmiyeen naftooda kuu imaan lahaayeen [Muxammadow], oo ay weydiisan Iahaayeen Allaah dambidhaaf, Rasuulkuna u dembidhaaf dalbi lahaa, waxay hubaashii heli lahaayeen Allaah Aqbala Toobada, oo Naxariis Badan.
  65. Mayee, waa igu Rabbigaaye, ma ayan rumeyn jeer ay kuugu xukuntamaan waxa ay isku qabtaan, oo ayan ka helin naftooda wax dhibsi ah wixii aad guddoomisa, oo ay u hoggaansamaan hoggaansamid dhan.
  66. Oo haddii aan amri lahayn [Annagoo leh], “Dila nafahiinna [kuwa aan dembiga lahayni ha dileen kuwa dembiilayaasha ah] ama ka baxa guryihiinna ma ay faleen sidaas in yar oo kamid ah maahee. Haddiise ay falaan waxa lagu waaniyo baa u roonaan lahayd, oo xoojin lahaydna [iimaankooda].
  67. Waxaana markaas ka siin lahayn xaggayaga ajar wayn.
  68. Oo waxaan hubaashii ku hanuunin lahayn Jid Toosan.
  69. Oo kii adeeca Allaah iyo Rasuulka [Muxammad] kuwaas waxay ahaan la jirka iyo rafiiqa kuwa uu u nicmeeyay Allaah, oo ah Nabiyada, Siddiqiinta [run badnayaasha rumeeyay Allaah iyo Rusushiisa], shuhadada, iyo kuwa wanaagsan, kuwaas baana la rafiiqid wanaagsan.
  70. Kaasi waa Fadli xagga Allaah ah, oo ku Filan Allaah Ogaansho.
  71. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Qaata digtoonidiinna, oo u baxa [dagaalka] idinkoo koox koox ah, ama baxa oo duula dhammaan idinkoo wada jira.
  72. Waxaana idin kamid ah hubaashii mid [munaafiqiin] idinka curyaamiya [inaad u dirirtaan Jidka Allaah]. Haddii ay idinku dhacdo musiibo yiraahda, “Xaqiiqdii, Allaah waa iigu nicmeeyay in aan ahayn mid la jooga.”
  73. Haddiise aad heshaan [guul iyo qaniimo] xagga Allaah ah, wuxuu hubaashii oranayaa sidii aysan marnaba jirin wax gacalo ah oo idinka dhexaysa idinka iyo isaga, “Hoogaye! Maxaan ula joogi waayay, si aan u liibaano liibaan wayn.”
  74. Ee ha kula dirireen [mu’miniinta] Jidka Allaah kuwa siistay iib ahaan nolosha adduunka Aakhirada, kiina u dagaallama Jidka Allaah oo la dilo ama adkaada, waxaan siin doonnaa ajar wayn.
  75. Maxaad leedihiin oo ugu diriri weydeen Jidka Allaah, iyo dartood kuwaa tabarta daran ee la dulleysto oo leh rag, haween, iyo carruurba, dhahana, “Rabbiyow! Naga saar magaaladan ay dadkeedu yihiin daalimiinta, oo nooga yeel xaggaaga difaace, noogana yeel xaggaaga gargaare.”
  76. Kuwa [Xaqa] rumeeyay waxay u diriraan Arrinka Allaah, kuwa gaaloobayna waxay u diriraan arrinka daaquudka [Sheydaanka], ee la dirira bahda Shaydaan, xaqiiqdii dhagarta Shaydaan waa daciif.
  77. Ma waadan ogaan kuwii lagu yiri, “Ceshada gacmahiinna [ka jooga dagaal] oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Sakada,” markiise lagu waajibiyay dagaalka, waxaa soo baxay qaar kamid ah oo uga baqa dadka sida ay uga baqaan Allaah oo kale ama ka daranba, waxay yiraahdaan, “Rabbiyow! Maxaad noogu waajibisay dagaalka? Maxaad dib noogu dhigi weydey ilaa muddo gaaban?” Dheh, “Raaxada adduunyo waa wax yar, Aakhirada baana u khayr badan kii ka cabsada Allaah, mana la idinka dulminayo xitaa wax le’eg falliir [xuubka ku dahaaran duleelka lafta timirta, saxarna, dhibicna].
  78. Meel kastoo aad joogtaanba, waa idin haleeli doonaa mawdku, aad ahaateenbee daaro dhaadheer oo la adkeeyay gudahood. Haddii ay asiibto xoogaa khayr ah, waxay yiraahdaan, “Tani waxay ka timid xagga Allaah.” Haddiise ay ku dhacdo xoogaa xumaani ah, waxay yiraahdaan, “Tani waxay ka timid xaggaaga [Muxammadow].” Dheh, “Wax waliba waxay ka yimaadaan xagga Allaah,” ee maxay leeyihiin qoomkaan aan sigeynba inay fahmaan wax hadal ah?
  79. Wixii ku asiiba oo wanaag ah waa xagga Allaah, wixiise ku asiiba oo xumaan ah waa xagga naftaada. Waxaana kuu soo dirnay [Muxammadow] dadka Rasuul ahaan, wuuna ku filan yahay Allaah Markhaati ahaan.
  80. Kii adeecaa Rasuulka [Muxammad] wuxuu dhabtii adeecay Allaah, kiise jeesada, kuuma aanu soo dirin [Muxammadow] dushooda ilaaliya ahaan.
  81. Waxay [munaafiiqiintu] yiraahdaan, “Hawraarsan,” markiise ay ka tagaan [Muxammadow] agtaada, waxay ku mirtaan koox kamid ah habeenkii qorshe aan ahayn waxa aad leedahay. Oo Allaah wuu qorayaa qorshahooda ay habeenkii maleegaan oo ku mirtaan. Ee isaga jeeso, oo talo saaro Allaah, wuuna ku filan Allaah Wakiil ahaan.
  82. Miyaynan u fiirsaneyn Qur’aanka? Haddii uu ka imaan lahaa axad aan ahayn Allaah, waxay hubaashii ka heli lahaayeen dhexdiisa is khilaaf badan.
  83. Markii uu u yimaado amar taabanaya nabadda [guud] ama cabsi, waxay ku dhex faafiyaan [dadka dhexdiisa warar aan la hubin], haddii ay u celin lahaayeen Rasuulka ama kuwa cilmiga leh oo kamid ah, waxaa ogaan lahaa kuwa baara oo lasoo baxa [xaqiiqda] oo kamid ah. Haddii uusan jirin Fadliga Allaah korkiinna iyo Naxariistiisa, waxaad raaci laheydeen Sheydaan in yar oo idin kamid ah ma ahee.
  84. Ee ku dirir [Muxammadow] Arrinka Allaah, laguma weydiinayo [xil kaama saarna oo laguu raacan maayo] waxaan ahayn naftaada, oo ku guubaabi mu’miniintana [dagaalka]. Waa intaasoo Allaah idinka hayo dhibka kuwa gaaloobay. Oo Allaah baa Baas Daran, oo Xanuujin Daran.
  85. Kii garab siiya arrin wanaagsan waxaa u sugnaaday qayb ajarkeeda ah, kii garab siiya xumaan waxaa u sugnaaday qayb culeyskeeda [dembigeeda] ah. Oo Allaah wax walba waa dhowraa.
  86. Oo marka la idinku salaamo salaan, ku salaama mid ka wanaagsan ama ku celiya [mid lamid ah]. Hubaashii, Allaah waa wax walba Xisaabaye.
  87. Allaah! Ma jiro ilaah xaq u leh in la caabudo Isaga maahee. Wuxuu hubaashii idin soo kulmin doonaa idinkoo dhammi Maalinta Qiyaamaha, shaki kuma jiro, oo yaana uga run badan Allaah hadal ahaan?
  88. Maxaad leedihiin [Mu’miniintoy] oo aad xagga arrinka [in la laayo iyo in kale] munaafiqiinta ugu qaybsanteen labo kooxood? Allaah baa dib ugu celiyay [gaalnimo] wixii ay kasbadeen darteed. Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu dhumiyay Allaah? Kiina uu dhumiyo Allaah, uma heleysid waddo [hanuun] ah.
  89. Waxay jecel yihiin [munaafiqiintu] inaad gaalowdaan sida ay u gaaloobeen oo aad isku mid noqotaan. Ee haka yeelannina awliya [sokeeye ama gacallo] jeer ay usoo haajiraan Jidka Allaah. Haddiise ay jeesadaan qabqabta oo ku dila meeshii aad ka heshaanba, hana ka yeelannina xaggooda gacal iyo gargaare midna.
  90. Waxaan ahayn kuwo la xiriira qolo dhexdiinna idinka iyo iyaga ay tahay heshiiis [nabadeed], ama kuwo idiin yimaada iyagoo ay ka ciriiryoon tahay laabahooda inay idinla diriraan ama la diriraan qoomkooda. Haddii uu doono Allaah, hubaashii waa uu idinku diri lahaa, oo waa idinla diriri lahaayeen, ee haddii ay idinka fogaadaan oo aysan idinla diririn oo ay idiin soo bandhigaan nabad, markaa Allaah idiinma furin wax jid ah [idinka aad kula dagaashaan].
  91. Waxaad heli doontaan kuwo kale oo doonaya inay idin nabad galiyaan oo nabad galiyaan qoomkooda [sida daahirka ah]. Mar kasta oo dib loogu celiyo fidmo [gaalnimo] waa isu dhiibaan. Haddii aysan idinka fogaan oo ammaan idin siin, oo aysanna laaban gacmahooda, qabqabta oo ku dila meeshii aad ka heshaanba, kuwaas waxaan idiin siinnay ka hortaggood xujo cad.
  92. Ma laha [uma bannaana] mu’min inuu dilo mu’min si gef ah ma’ahee, kii u dila mu’min si gef ah [waxaa saaran] xoreyn qoor mu’min ah iyo mag [diyo] la siiyo ehelkiisa, inay cafiyaan maahee. Haddii kan [la dilay] uu kamid yahay qolo cadowgiin ah oo dagaal idiin dhexeeyo, isaguna yahay mu’min [waxaa saaran] xorayn qoor mu’min ah, haddii uu kamid yahay qolo heshiis idiin dhexeeyo [waxaa saaran] mag [diyo] la siiyo ehelkiisa, iyo xoreyn qoor mu’min ah. Kiina aan heli karin [qoor uu xoreeyo] waa inuu soomaa labo bilood oo xiriir ah si uu uga dalbo cafis iyo masaamax xagga Allaah. Oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  93. Qofkiise u dila mu’min si kas ah, abaalkiisu waa Naar uu ku waarayo dhexdeeda, waxaana korkiisa ah Carada Allaah iyo Lacnadii, wuxuuna u diyaariyay cadaab wayn.
  94. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Marka aad u baxdaan [inaad u dirirtaan] Jidka Allaah, wax hubsada, oo haku oranina mid idiin soo jeediya salaan [isagoo qaadanaya Islaamka], “Ma tihid mu’min,” idinkoo doonaya alaabada dhammaanaysa ee nolosha adduunka. Waxaa Allaah agtiisa ah kheyr iyo qaniimo tiro badan. Sidaas baad ahaydeen idinkuba awal hore, markaasuu Allaah idin siiyay Fadligiisa [oo idinku hanuuniyay Islaamka], ee wax hubsada oo kala caddaysta. Xaqiiqdii, Allaah waxa aad falaysaan waa ka warqabaa.
  95. Ma sinna kuwa fadhiya [guryaha] ee mu’miniinta ah oo aan ahayn kuwa naafaha ah [dhaawac, curyaan, indha-la’aan, iyo wax lamid ah] iyo kuwa kula jihaada Jidka Allaah maalkooda iyo naftoodaba. Waa uu ka fadilay Allaah kuwa ku jihaada maalkooda iyo naftooda kuwa fadhiya [guryaha] darajo. Dhammaanna wuxuu Allaah u yaboohay wanaag [Janno], wuxuuse Allaah dheereysiiyay kuwa jihaada oo ka koryeelay kuwa iska fariista [guryaha] ajar wayn.
  96. Derejooyin xagga Allaah ah iyo Dambidhaaf iyo Naxariiis, oo Allaah waa Dambidhaaf Badane, Naxariis Badan.
  97. Xaqiiqdu! Kuwa ay oofsato malaa’igtu iyagoo dulminaaya naftooda [maadaama ay dhex joogeen gaalada iyagoo soo haajiraddu waajib ku ahayd], waxay [malaa’igtu] ku yiraahdaan, “Muxuu xaalkiinnu ahaa?” Waxay ku jawaabaan, “Waxaannu ahayn kuwo tabar daran oo lagu daciifsado dhulka.” Waxay [malaa’igtu] ku yiraahdaan, “Sow ma ahayn dhulka Allaah dallaal waasac ah oo aad ku hijroon kartaan dhexdiisa?” Kuwaas hoygoodu waa Naar, iyada baana u xun meel loo noqdo.
  98. Marka laga reebo kuwa tabarta yar oo leh rag, dumar iyo carruurba oo aan karin xeelad, kuna toosi karin jidka.
  99. Kuwaas waa intaasoo uu Allaah iska cafiyo, oo Allaah waa Cafis Badane, Dambidhaaf Badan.
  100. Oo kii uga haajira [degaankiisa] Allaah darti, wuxuu ka heli doonaa dhulka ciirsiyo badan [meelo aayatiin leh] iyo waasacnimo. Kiina ka baxaa gurigiisa isagoo muhaajir u ah xagga Allaah iyo Rasuulkiisa oo markaas mowdku helo, wuxuu dhabtii ajarkiisu saaran yahay Allaah, oo Allaah waa Dembidhaaf badane, Naxariis Badan.
  101. Oo marka aad idinku [Muslimiinta ah] safar ku tihiin arlo, ma aha korkiinna wax danbi ah inaad soo gaabisaan salaadda haddii aad ka cabsataan inay idin fidmeeyaan [idiin geystaan dhibaato], kuwa gaaloobay, xaqiiqdii gaaladu waxay idiin yihiin cadow iska cad.
  102. Marka aad adigu [Muxammadow] tahay dhexdooda [Muslimiinta], aad u oogto salaadda, ha istaagto koox kamid ah agtaada, hana qaateen hubkooda, marka ay sujuudaan ha ahaadeen gadaashiinna, hana timaaddo koox kale oo aan weli tukan oo ha kula tukadeen, hana qaateen digtoonidooda iyo hubkooda. Waxay jecel yiiin kuwa gaaloobay inaad moogaataan hubkiinna iyo qalabkiinna oo ay markaas idiin soo weeraraan mar keliya [idinku kediyaan], mana aha korkiinna wax dembi ah haddii uu idin hayo dhib roob ama aad tihiin kuwa buka inaad dhigtaan hubkiinna, oo qaata digtoonidiinna. Xaqiiqdii, Allaah wuxuu u diyaariyay gaalada cadaab dufeysa.
  103. Marka aad bogtaan salaadda [jamaacada], xusa Allaah joog iyo fadhi iyo idinkoo u jiifaba dhinacyadiinna, markase ay idinka suusho khatarta [aamin noqotaan], u ooga salaadda si wanaagsan. Xaqiiqdii, salaadda waxaa lagu waajibiyay mu’miniinta waqtiyo go’an.
  104. Oo haka dabcina doonista iyo dalabka cadowga, haddii aad mareysaan [dhibo] hubaashii iyaguba [sidoo kale] waxay marayaan [dhibo] sida aad u dhibtooneysaanba, waxaadse ka rajaynaysaan Allaah [ajarka ah Jannada] oo aysan iyagu rajayneyn, oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  105. Waxaan xaqiiqdii Annagu kuugu soo dejinnay [Muxammadow] Kitaabka [Qur’aanka] si xaq ah, si aad ugu kala xukunto dadka dhexdooda waxa uu Allaah ku tusiyo, ee ha noqon ku udooda khaa’iniinta.
  106. Oo weydiiso Dambidhaafka Allaah, xaqiiqdii Allaah waa Dambidhaaf Badane, Naxariis Badan.
  107. Hana u doodin kuwa khayaana naftooda. Xaqiiqdii, Allaah ma jecla mid kastoo khaa’in ah oo danbi badan.
  108. Waxay iska qarinayaan dadka, iskamana qarinayaan Allaah Isagoo la jooga [kula joogaa ogaalka iyo cilmigiisa, iyo ka warqabid dhan Isagoo Kor ah Carshigiisa dushiisa] marka ay ku miranayaan habeenkii hadal uusan raalli ka ahayn, oo Allaah waxa ay falayaan waa uu koobay.
  109. Waa idinka kuwa udooday iyaga nolosha adduunkan, ee yaa udoodi doona Maalinta Qiyaamaha oo ka dhicin doona Allaah, ama u noqon wakiil?
  110. Qofkii fala xumaan ama dulmiya naftiisa [dambaaba] oo markaas weydiista danbi Dhaaf Allaah, wuxuu heli doonaa Allaah oo ah danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  111. Qofkiina kasbadaa dambi, wuxuu u kasbadaa oo keliya dhibaateynta naftiisa. Oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  112. Kiina kasbadaa gef ama danbi oo markaas dusha ka saara mid aan waxba galabsan, wuxuu dhabtii xambaartay been abuurasho iyo danbi cad.
  113. Haddii uusan jirin Fadliga Allaah korkaaga iyo Naxariistiisa [Muxammadow], waxay hubaashii hammin lahayd koox kamid ah inay ku dhumiyaan, mase dhuminayaan waxaan ahayn naftooda, waxnana kuma yeeli karaan. Wuxuuna Allaah kugu soo dajiyay Kitaabka iyo Xikmadda [Sunnada] oo ku baray wax aadan horay u aqoon. Fadliga Allaahna korkaaga waa ku wayn yahay.
  114. Ma leh khayr wax badan oo faqooda ah marka laga reebo mid amra sadaqo ama wanaag, ama kala maslaxa dadka dhexdooda, kii falana sidaas isagoo doonaya Raalli ahaanshaha Allaah, waxaan siin doonnaa ajar wayn.
  115. Qofkiina khilaafa oo ka hor yimaada Rasuulka [Muxammad] inta uu caddaaday hanuunka oo raaca waxaan ahayn jidka mu’miniinta. Waxaan uga dhigeynaa wali [sokeeye] wuxuu ka wali yeeshay, oo waxaan galin doonnaa Naarta Jahannama, iyada baana u xun meel la ahaado.
  116. Xaqiiqdii! Allaah ma dhaafo [dembiga ah] in lala wadaajiyo oo loo shariig yeelo cid kale cibaadada, waase u dhaafaa wixii taas ka yar kii uu doono. Qofkiina Allaah u shariig yeela oo la wadaajiya cibaadada cid kale, wuxuu dhabtii dhumay dhumid fog.
  117. Ma caabudayaan [kuwaasi mushrikiinta ahi] Allaah ka sokow waxaan ahayn dheddig, mana caabudayaan waxaan ahayn Shaydaan mariid ah oo madax adag.
  118. Oo Allaah uu Nacladay, wuxuuna [Shaydaan] yiri, “Waxaan ku yeelan doonaa addoomahaaga saami [qayb] go’an.”
  119. “Oo hubaashii waan baadiyayn, oo waxaan galin doonaa hididdiillo been ah, oo waxaan amri doonaa [xumaanta], waxay jeexjeexi doonaan dhegaha xoolaha, waxaan amri doonaa inay dooriyaan abuurka Allaah.” Qofkiina ka yeesha Shaydaan wali [wakiil ama gacal] Allaah sokadi, wuxuu dhabtii khasaaray khasaare cad.
  120. Wuu u yaboohaa oo galiyaa yididiillooyin been ah, mana u yabooho Shaydaan waxaan ahayn dhagar.
  121. Kuwaas hoygoodu waa Naar, kamana helaan meel ay uga baxsadaan.
  122. Kuwase [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban waxaan galin doonnaa beero ay webiyo hoos qulqulayaan [Jannada gudaheeda] iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood. Waa yabooha Allaah oo Xaq ah, oo yaa ka run badan Hadalka Allaah?
  123. Ma aha hididdiillooyinkiinna [Muslimiinta] iyo hididdiillooyinka ehlu-Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] midna, ciddii fasha xumaan, waa laga abaal marin doonaa, mana helayo Allaah ka sokow gacal iyo gargaare midna.
  124. Oo kii fala camallo wanaagsan oo lab ah ama dheddig, isagoo mu’min ah, waxay kuwaasu gali doonaan Jannada, lagama dulmiyo xuubka laf timireed ama wax dhibic le’eg.
  125. Oo yaa ka diin fiican mid u dhiiba wajigiisa [naftiisa] Allaah isagoo ah muxsin [samafale] oo raaca diinta Ibraahiim ee toosan, oo Allaah wuxuu ka yeeshay Ibraahiim gacal u gaar ah.
  126. Oo Allaah baa iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan arlada, oo Allaah wax walba waa Koobaa.
  127. Waxay ku weydiinayaan wax ku saabsan haweenka, dheh, “Allaah baa wax idiinka sheegaya arrinkooda, iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoonta ah oo aydaan siin saamiyadii la gooyay [ee xagga meherka iyo dhaxalka ah] iyo weliba kuwa aad dooneysaan inaad guursataan, iyo [wax ku saabsan] carruurta tabarta yar ee dulman, iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Wixii aad fashaanna oo khayr ah, xaqiiqdii Allaah waa Og yahay.
  128. Oo haddii ay haweeney kaga cabsato ninkeeda xaggiisa fogaansho ama jeesasho, ma jiro wax dembi oo korkooda ah haddii ay ka heshiiyaan dhexdooda heshiis, heshiiska baana khayr badan, nafaha Aadanahana waxaa lagu laray wax masuugidda. Haddiise aad samo fashaan oo Allaah ka cabsataan, xaqiiqdii Allaah waxa aad falaysaan waa u Xog Ogaal.
  129. Ma kari doontaan inaad fashaan caddaalad dhan xagga xaasaska dhexdooda aadba dadaasheena ee ha u iilanina iilasho dhan middood kamid ah, oo aad markaas ka tagtaan midda kale sidii iyadoo tu lalmata ah [dayacan]. Haddiina aad wax wanaajisaan, oo ka cabsataan Allaah, xaqiiqdii Allaah waa danbi Dhaaf, Badane Naxariis Badan.
  130. Haddiise ay kala tagaan, wuxuu Allaah ka hodmin doonaa mid walba oo kamid ah Deeqdiisa. oo Allaah waa waasic ku Filan inuu daboolo baahida uumankiisa, Xikmad Badan.
  131. Oo Allaah baa iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan arlada. Oo waxaan dhabtii u dardaarannay kuwii la siiyay Kitaabka ee idinka horreeyay iyo idinkaba [Muslimiintoy] ka cabsashada Allaah, haddiise aad gaalowdaan, waxaa Allaah u sugnaaday waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan arlada, oo Allaah waa Hodan [ka deeqtoon wax iyo cid waliba] oo Mudan ammaan iyo mahad oo dhan.
  132. Oo Allaah baa iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan arlada. Oo ku filan Allaah Wakiil ahaan.
  133. Haddii uu doono, Waa uu idin tagsiin dadow, oo la iman kuwo kale. Oo Allaah taasi waa mid Kara.
  134. Qofkii raba abaal adduunyo, waa Allaah agtiisa abaalka adduunyo iyo Aakhiraba, oo Allaah waa Maqlid Badane, Arkid Badan.
  135. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo ah markhaatiyada Allaah, naftiinnaba ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraabada, haddii ay hodan yihiin ama faqiir, Allaah baa u mudnaansho badan, ee haka raacina hawada inaad caddaalad fashaan, haddiise aad leexisaan markhaatigiinna ama ka jeedsataan inaad bixisaan marag [aad heysaan], xaqiiqdii Allaah waxa aad falaysaan waa u Xog Ogaal.
  136. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad], iyo Kitaabka [Qur’aanka] uu kusoo dajiyay Rasuulkiisa, iyo Kitaabka uu soo dajiyay awal hore, kiise ku gaalooba Allaah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, iyo Maalinta Aakhiro, wuxuu dhabtii dhumay dhumid fog.
  137. Xaqiiqdii, kuwa [Xaqa] rumeeyay, misna gaaloobay, misna rumeeyay [mar kale], oo misna [mar kale] gaaloobay, oo misna sii kororsaday gaalnimo, ma aha Allaah mid u dhaafaya dambigooda, kumana hanuuniyo Jid [Toosan].
  138. Ugu bishaaree munaafiqiinta inay leeyihiin cadaab xanuun badan.
  139. Kuwa ka yeesha gaalada awliyaa [sokeeye ama gacallo] mu’miniinta ka sokow, ma waxay ka doonayaan agtooda cizo? Xaqiiqdii Allaah baa iska leh cizo oo dhan.
  140. Waxaana horay la idiinku soo dajiyay Kitaabka [Qur’aanka dhexdiisa] haddii aad maqashaan Aayadaha Allaah oo lagu gaaloobayo ama lagu jeesjeesayo, hala fariisannina iyaga, ilaa ay ka galaan hadal kale aan taa ahayn haddii kale waxaad noqoneysaan iyagoo kale. Wuxuu hubaashii Allaah ku kulmin doonaa munaafiqiinta iyo gaaladaba Naarta iyagoo wada jira.
  141. Kuwa [munaafiqiinta ah] ee idin la suga [dhibaato], haddii aad ka heshaan guul xagga Allaah waxay yiraahdaan, “Sow idin lama aan jirin?” Haddiise ay gaaladu gaaraan guul waxay ku yiraahdaan, “Ma waannaan garab idiin siin oo aannaan idinka celin mu’miniinta?” Allaah baa idin kala xukumi doona dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha. Mana u yeeli doono Allaah gaalada jid [ay kaga guuleystaan] mu’miniinta.
  142. Xaqiiqdii, munaafiqiintu waxay isku dayayaan inay dagaan Allaah, Isaga baase dagaya, oo marka ay u kacaan salaadda, waxay u kacaan iyagoo wahsanaya oo istusaya dadka, mana xusaan Allaah wax yar ma’ahee.
  143. Waxay ku noqnoqonayaan kuwan iyo kuwaa, oo ma aha mana raacsana kuwaan, mana aha oo ma raacsana kuwaa, kiina uu Allaah dhumiyo, uma heli doontid jid [cid hanuunisa].
  144. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haka yeelannina gaalada awliyaa [sokeeye, gacallo] mu’miniinta ka sokow. Ma waxaad dooneysaan inaad isugu yeeshaan Allaah korkiinna xujo cad [inuu idin ciqaabo]?
  145. Xaqiiqdii, munaafiqiintu waxay ku sugnaan doonaan dabaqa u hooseeya ee Naarta, umana heli doontid gargaare.
  146. Marka laga reebo kuwa toobad keena oo wanaajiya camalka, oo qabsada Allaah, oo u keli yeela diintooda [cibaadadooda] Allaah, kuwaasi waxay ahaan doonaan la jirka mu’miniinta, oo wuxuu Allaah siin doonaa mu’miniinta Ajar Wayn.
  147. Muxuu Allaah ku falayaa caddibiddiinna haddii aad shukridaan oo rumaysaan, oo Allaah waa Shukriye, Cilmi Badan.
  148. Allaah ma jecla in xumaan loogu hadlo si cad dadka dhexdiisa, qof la dulmiyay ma’ahee, oo Allaah waa Maqal Badane, Cilmi badan.
  149. Haddii aad [dadow] ku muujisaan [hadallo wanaagsan oo mahad naq ah] wanaag [uu qof idiinku sameeyay axsaan ahaan], ama aad qarisaan, ama haddii aad iska cafidaan xumaan, xaqiiqdii Allaah waa cafis Badane, Karaan Badan.
  150. Xaqiiqdii, kuwa ku gaalooba Allaah iyo Rusushiisa oo raba inay kala soocaan Allaah iyo Rusushiisa [iyagoo rumeynaya Allaah kuna gaaloobaya Rusushiiisa] iyagoo leh, “Waxaan rumaysannahay qaar oo diidannahay qaar kale,” oo raba inay halkaas ka dhex samaystaan jid.
  151. Kuwaasu run ahaan waa gaalo, Waxaannuna u diyaarinnay gaalada cadaab dufeysa.
  152. Kuwase rumeeyay Allaah iyo Rusushiisa oo aan soocin [gees u bixin] mid kamid ah [Rusullada] dhexdooda, Wuxuu siin doonaa ajarkooda, oo Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  153. Waxay ku weydiisanayaan ehlu-Kitaabku [Yuhuudda] inaad kaga soo dejiso Kitaab xagga samada. Waxay dhabtii weydiiyeen Muusaa taas mid ka wayn, oo waxay yiraahdeen, “Noo tus Allaah si cad, waxaana qabtay wiriq iyo onkod wata hillaac daran dulmigoodii dartiis, waxayna yeesheen dibi ay caabudaan kaddib intay u timid xujooyin cadcad, Waanse ka cafinnay taasi, Waxaannuna siinnay Muusaa Xujo Cad.
  154. Waxaan kor yeelnay Buurta Dhuur wacadkoodii dartiis, [munaasabad kalena] Waxaynu ku niri, “Gala Albaabka idinkoo sujuudsan [ama rukuucsan] si khushuuc leh.” Waxaana ku niri, “Haku xadgudbinnana [macnaha waa waxaan amarnay inayan wax shaqo adduun ah qabin] Sabtida.” Waxaana ka qaadnay wacad adag.
  155. Sababta jabintoodii wacadka, iyo ku gaaloobiddooda Aayadaha Allaah iyo ku diliddooda Anbiyada xaqdarrada, iyo qawlkooda ah, “Qalbiyadayada way daboolan yihiin [oo ma fahanno waxa ay Rusushu yiraahdaan],” mayee Allaah baa daboolay qalbiyadooda gaalnimadooda darteed, sidaa awgeed ma rumeeyaan wax yar ma’ahee.
  156. Iyo gaalnimadooda darteed [waa Yuhuudda] iyo ka sheegiddooda Maryam been abuur wayn [waa inay zineysatay].
  157. Iyo qowlkoodii ahaa [kibir iyo faan ahaan], “Innaga baa dillay Masiixa Ciisaa, wiilkii Maryam, Rasuul Allaah,” laakiinse ma ay dilin mana ay daldalin, laakiinse waa loo shabbahay [ekeysiiyay], oo xaqiiqdii kuwa isku khilaafay arrinkiisa waxay kaga sugan yihiin shaki. Uma heystaan wax cilmi [la hubo oo run ah], waxa ay raacaan wax kale maahee waa male awaal. Waxaana la hubaa inaysan dilin [waa Ciisaa, wiilkii Maryam].
  158. Allaah baase kor u qaaday Xaggiisa, oo Allaah waa Awood Badane, Xikmad Badan.
  159. Mana jiro qof kamida ehlu-Kitaab [Yuhuudda iyo Nasaarada] aan rumeyn doonin isaga [Ciisaa ina Maryam inuu yahay oo keliya addoon Allaah iyo Rasuulki], ka hor dhimashada [Ciisaa ama ka hor dhimashada Yuhuudi ama Nasraani waliba waqtiga uu u muuqdo malakul mowtka]. Maalinta Qiyaamahana wuxuu [Ciisaa] ku noqon doonaa korkooda markhaati.
  160. Dulmi falka Yuhuudda awgi, baan waxaan uga xaaraameennay waxyaalo wanaagsan oo loo xalaaleeyay, iyo sababta is hortaaggoodii Jidka Allaah in badan.
  161. Iyo qaadashadooda ribada iyadoo laga reebay inay qaataan, iyo ku cuniddoda maalka dadka baadil iyo dulmi [laaluush iyo wax lamida] Waxaana u diyaarinnay kuwooda gaalada ah ee kamid ah cadaab xanuun badan.
  162. Laakiinse kuwooda ku xeel dheer cilmiga, oo kamid ah iyo mu’miniintuba, waxay rumeysan yihiin waxa lagugu soo dajiyay [Muxammadow] iyo wixii lasoo dajiyay hortaa, kuwaana u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya Sakada oo rumeeya Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhirada] kuwaasi waxaan siin doonnaa Ajar Wayn.
  163. Waxaannu xaqiiqdii Annagu kuugu waxyoonnay [Muxammadow] sidii aan ugu waxyoonnayba Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyay; Waxaannuna [sidoo kale] u waxyoonnay Ibraahiim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub iyo al-Asbaad [labo iyo tobankii wiil ee Yacquub], Ciisaa, Ayuub, Yuunus, Haaruun, iyo Sulaymaan, oo Daawuud Waxaannu siinnay Zabuur.
  164. Iyo Rusul aan kaaga warrannay awal hore, iyo Rusul aannaan kaaga warraminba, oo Muusaa Allaah wuxuu ula hadlay si toos ah.
  165. Rusul bishaarooyin sidayaal ah iyo sidoo kale digayaal si aysan dadku ugu helin Allaah xujo Rususha kaddib, oo Allaah waa Awood Badane, Xikmad Badan.
  166. Laakiinse Allaah wuxuu markhaati ka yahay waxa [Qur’aanka] uu kugu soo dajiyay adiga [Muxammadow] wuxuu kusoo dajiyay Cilmigiisa, malaa’igtuna waa ka markhaati, oo Allaah ku Filan Marag ahaan.
  167. Xaqiiqdii, kuwa gaaloobay oo kahor istaaga [dadka] Jidka Allaah, waxay hubaashii dhumeen dhumid fog.
  168. Xaqiiqdii, kuwa gaaloobay ee dulmi falay, ma aha Allaah mid u danbi dhaafaya oo ku hanuuninaya jidna.
  169. Jidka Jahannama mooyee, iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, taasina Allaah waa u fududdahay.
  170. Dadow! Wuxuu dhabtii idiinla yimid Rasuulku [Muxammad] xaq xagga Rabbigiin ah, ee rumeeya waa wax idiin roon idinka’e. Haddiise aad gaalowdaan, xaqiiqdii Allaah baa iska leh waxa ku sugan cirarka iyo dhulka. Oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  171. Ehlu-Kitaabow [Yuhuud iyo Nasaarooy]! Hakaga bixina xuduudda diintiinna, oo haka sheegina Allaah waxaan ahayn xaq, Masiixa Ciisaa ina Maryam ma aha [wax ka badan] Rasuul Allaah soo diray iyo Kelmaddiisa, [“Ahow!” Wuuna ahaaday] uu ku tuuray Maryam iyo ruux Xaggiisa ah, ee rumeeya Allaah iyo Rusushiisa. Ha orannina, “Waa saddex [ilaah].” Ka hara waa wax idiin roon’e. Allaah waa uun Ilaah Keliya oo Mid ah, waa ka Nazahan yahay [oo ka Sarreeyaa] inuu yeesho ilmo. Waxaa u sugnaaday waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan arlada. Oo ku Filan Allaah Wakiil ahaan.
  172. Iskama wayneeyo Masiixu [Ciisaa wiilkii Mayram] inuu ahaado addoon Allaah isu dhiiba, waa sidoo kale malaa’igta u dhow [Allaah] iyaguna. Kiina iska wayneeya caabudidda [Allaah] oo is kibriya, Wuxuu usoo kulmin doonaa xaggiisa dhammaantood.
  173. Xagga kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan, wuxuu siin doonaa ajarradooda ay muteen, oo u ziyaadin wax badan oo kamid ah Fadligiisa. Kuwase iska wayneeya caabudidda [Allaah] oo is kibriya, Wuxuu [Allaah] cadaabi doonaa cadaab xanuun badan, mana u heli doonaan naftooda Allaah sokadi gacal iyo gargaare midna.
  174. Dadow! Xaqiiqdii waxaa idiin yimid Xujo Cad [waa Nabi Muxammad] oo xagga Rabbigiin ah, oo Waxaan idiin soo dejinnay Nuur iska cad [Qur’aankan].
  175. Xagga kuwa rumeeyay Allaah oo qabsaday [isku dhowray Allaah iyo Qur’aanka uu soo dajiyay], wuxuu galin doonaa Naxariis [Jannada] xaggiisa ah, wuxuuna ku hanuunin doonaa Jid Toosan oo Xaggiisa ah.
  176. Waxay ku weydiinayaan arrin sharci ah inaad wax uga sheegto, dheh, “Allaah baa idiinka warramaya arrinka al-Kalaalah [kuwa aan ka tegin aabbayaal, asal ama ilmo, durriyad ka farcamay waraso ahaan].” Haddii uu dhinto nin aan ilmo lahayn, oo leh walaalley, waxay leedahay bar waxa uu ka tagay dhaxal ahaan. Haddii ay dhimato haweeney aan ka tegin wax ilmo ah, walaalkeed baa leh dhaxalkeeda. Haddii ay yihiin labo gabdhood oo walaalo ah, waxay leeyihiin seddex meeloodoo labo meelood dhaxalka; haddii ay yihiin walaalo rag iyo dumarba leh, labku wuxuu leeyahay labadeed saamiga dheddigta. Wuxuu idiin caddaynayaa Allaah [xeerarkiisa] si aydaan u dhumin, oo Allaah wax walba waa ogyahay.

Suuradda 5aad: Al-Maa’idah [Miiskaa Lagu Fidshay Cunnooyinka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Oofiya ballanta [iyo heshiisyada]. Waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmoolayda ah marka laga reebo waxa la idiinku akhrin doono [halkan dhexdeeda], ugaarsiga [sidoo kale] waa idinka xaaraan marka aad u ixraamataan Xajiyid ama Cumro. Xaqiiqdii, Allaah wuxuu amraa wixii uu doono.
  2. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ha banneysannina xurmadda Calaamooyinka [ah waynaynta] Allaah, iyo bisha caaggan midna, iyo xoolaha loo keenay hadyi ahaanta in loo gawraco, iyo xoolaha la luqun xiray [si loo nabad galiyo darteed] oo ha banneysannina xurmadda dadka soo aada Baytka Xurmadda leh [ee ku yaal Makkah], iyagoo doonaya fadliga Rabbigood iyo raalli ahaanshahiisa. Markase aad xalaalowdaan [bogtaan Xajka ama Cumrada], ugaarsada [haddii aad doontaan], oo yaysan nacaybka qoom oo [mar] idinka hor istaagay Al-Masjid Al-Xaraam [ee ku yaal Makkah] idiin horseedin xadgudub [iyo cadaawad dhinaciinna ah]. Oo isugu kaalmeeya samaha iyo ka dhowrsiga xumaha, oo ha isugu kaalmeynina danbiga iyo xadgudubka. Oo ka cabsada Allaah. xaqiiqdii Allaah waa ciqaab Daran yahay.
  3. Waxaa la idinka xaaraameeyay xoolaha baqtiyay [xoolaha nicmooleyda aan loo gowricin si sharciga waafaqsan], dhiigga, hilibka doofaar, iyo hilibka wixii loo gowracay hadyi iyo xusid ahaan cid kale aan ahayn Allaah, ama loo gowracay sanammo iyo wixi lamida, ama wixii aan lagu xusin Magaca Allaah markii la gawracayay, iyo xoolaha lagu dilay ceegada, ama lagu dilay garaac ama jug wayn, ama u dhimatay kasoo dhac meel dheer, ama hirdin iyo wixii [qayb] uu cunay dugaag inaad gowracdaan [dhimashadeeda ka hor] mooyee, iyo wixii lagu hadiyeeyay [gowracay] sanammada korkooda. [Waxaa idinka reebban] sidoo kale inaad wax ku qaybsataan faal iyo qori tuur idinkoo fiirinaya nasiibkiinna ama u dan leh go’aan qaadasho, waxaasi [oo dhammi] waa fisqi [ku caasin Allaah iyo danbi]. Maanta bay ka quusteen kuwa gaaloobay diintiinna, ee haka baqina, ee Aniga iga baqa. Maanta baan idiin kaamilay diintiinna oo idin taam yeelay korkiinna Nicmaddeyda, oo waxaana idiinka raalli noqday Islaamka diin ahaan. Ee qofkii ay ku xambaarto gaajo daran, isagoo aan u dan lahayn u iilasho danbi [midkaa oo kale waa cuni karaa hilbahaa laga xaaraameeyay ee kor lagu soo xusay], oo hubaashii, Allaah waa Dambidhaaf Badane, Naxariis badan.
  4. Waxay ku weydiinayaan [Muxammadow] maxaa loo xalaaleeyay [xagga cunnada]. Dheh, “Waxaa la idiin xalaaleeyay At-Tayyibaat [nooc kasta oo cunto xalaal ah] iyo kuwaa dugaagga iyo shimbirahaa waxshiga [gorgorrada iyo galleyrada] ee aad u tababarteen sida ey oo kale ugaarashada, idinkoo u rabbaayadeynaya barayana [sida ay wax u qabtaan] sida uu idiin tilmaamay Allaah; ee cuna wixii ay idiin qabtaan, oo ku xusa Magaca Allaah korkooda, oo ka cabsada Allaah, xaqiiqdii Allaah waa ku Dhakhsi Badan yahay xisaabta.
  5. Maanta waxaa la idiin xalaaleeyay At-Tayyibaat [nooc kasta oo cuntada xalaasha ah] oo cuntada kuwa la siiyay Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] waa idiin xalaal, cuntadiinnana waa u xalaal iyaga. [Waxaa idiin xalaal ah guur ahaan] dhowrsanooyinka mu’minadaha ah iyo dhawrsanooyinka kuwa la siiyay Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] idinka hortiiin, marka aad siisaan meherkooda iyagoo dhowrsoon aan la imaaneyn zino [galmood xaaraan ah] oo aan yeelaneyn saaxiibbo hoosaadyo. Kiina ku gaalooba Iimaanka [Rumeynta Allaah, Malaa’igtiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, Maalinta Qiyaame iyo Qaddarka Allaah kheyr iyo sharba], waxaa bura camalkiisa, Aakhiradana wuxuu kamid noqon kuwa khasaaray.
  6. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Marka aad u kacdaan salaadda meyra wajiyadiinna iyo gacmihiinna ilaa xusullada, oo masaxa madaxyadiinna korkooda [oo meyra] lugahiinna ilaa canqawyada. Haddii aad ku sugan tihiin xaalad Janaaba [qasli qabtaan] is-daahiriya [qubeysta qubays dhan], haddiise aad bugtaan ama safar tihiin ama midkiin saxaroodo ama aad u tagtaan haween [la galmootaan xaasaskiinna] oo aydaan helin biyo, ku goggobeysta [booreysta] carro wanaagsan oo ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Ma rabo Allaah inuu korkiinna yeelo wax dhib ah, laakiinse wuxuu rabaa inuu idin daahiriyo, oo idiin taam yeelo Nicmaddiisa korkiinna si aad u shukridaan.
  7. Oo xusa Nicmadda Allaah korkiinna iyo ballankiisa uu idin kula ballamay, markii aad tiraahdeen, “Waan maqallay oo adeecnay.” Oo ka cabsada Allaah, xaqiiqdii Allaah waa Og yahay waxa [siraha] ku jira laabaha.
  8. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ahaada kuwo u taagan si toosnaan leh Allaah Darti, oo ahaada markhaatiyo caadil ah oo yaysan colaadda ama naceybka qoom kale idinku xambaarin inaydaan falin caddaalad. Caddaala fala, sidaas baa u dhow dhowrsoonida, oo ka cabsada Allaah. Xaqiiqdii, Allaah waa u Xog Ogaal waxa aad falaysaan.
  9. Wuxuu Allaah u yaboohay kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, inay leeyihiin danbi dhaaf iyo Ajar Wayn [Janno].
  10. Kuwase gaaloobay oo beeniyay Aayadahayaga, kuwaas waa ehlu-Naar.
  11. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Xusa Nicmadda Allaah korkiinna, markii ay hammiyeen [dooneen] qoom inay idiinku soo fidiyaan gacmahooda [xumaan] oo uu idinka celiyay gacmahooda. Ee ka cabsada Allaah, oo Allaah ha tala saarteen mu’miniintu.
  12. Oo wuxuu dhabtii Allaah ka qaaday wacad ilmahii Israa’iil [Yuhuudda] oo kasoo saaray labo iyo toban oday oo kamid ah, wuxuuna Allaah yiri, “Anigu xaqiiqdii waa idin la jiraa, haddii aad u oogtaan salaadda si fiican, oo bixisaan Zakada oo aad rumeysaan Rusushayda, oo u gargaartaan, oo amaahsataan Allaah amaah wanaagsan, xaqiiqdii waxaan idiin astureynaa xumaanahiinna oo idin galin doonaa beero ay wabiyadu hoos qulqulayaan [Jannada gudaheeda]. Kiise gaalooba intaas kaddib, wuxuu dhabtii ka dhumay Jidka Toosan.”
  13. Jabintooda ballantooda awgi, Waa aan lacnadnay, oo ka yeelnay qalbiyadooda wax qallalan. Waxay ka leexiyaan kelmedaha meeshooda [ku habboon], oo ka tageen qayb wanaagsan ee dhambaalkii loo soo diray ah. Kamana weydid [Yuhuudda] inaad ka aragto khayaano xaggooda in yar oo kamid ah maahee, ee iska cafi oo saamax. Xaqiiqdii Allaah wuxuu jecel yahay Al-Muxsiniin [sama falayaasha].
  14. Kuwana yiraahda waxaannu nahay Nasaaraa, Waxaan ka qaadnay wacadkooda, waxayse ka tageen qayb wixii lagu waaniyay ah. Markaas baan ku tallaalnay cadaawad iyo isnac dhexdooda ilaa Maalinta Qiyaame, wuxuuna Allaah uga warrami doonaa waxa ay samaynayeen.
  15. Ehlu-Kitaabow [Yuhuudda iyo Nasaarada] waxaa idiin yimid Rasuulkayaga [Muxammad] oo idiin caddaynaya wax badan oo kamid ah wixii aad qarineyseen oo Kitaabka ka midka ah, oo iska dul maraya [macnaha waa ka tegaya faallo la’aan] in badan. Waxaa dhabtii idiinka yimid xagga Allaah nuur [Nabi Muxammad] iyo Kitaab iska cad.
  16. Oo uu Allaah ku hanuuniyo dhammaan kuwaa raaca Raalli ahaanshahiisa jidadka nabadda, oo uga saaro mugdiyada [shirkiga iyo macaasida] xagga Nuurka [Towxiidka iyo camallada suubban] Idankiisa, oo ku hanuuniyaa Jid Toosan.
  17. Waxaa dhabtii gaaloobay kuwa yiraahda, “Allaah waa Masiixa [Ciisaa] ina Maryam ah.” Dheh [Muxammadow], “Yaa wax ka tari kara Allaah haddii uu doono inuu halaago Masiixa [Ciisaa] ina Maryam iyo hooyadi, iyo waxa ku sugan arlada oo dhan?” Oo Allaah baa iska leh mulkiga cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyaba, Wuxuu abuuraa wixii uu doono. Oo Allaah wax walba waa Karaa.
  18. Oo waxay yiraahdeen Yuhuud iyo Nasaaraba, “Innagu waxaannu nahay caruurtii Allaah iyo kuwa uu jecel yahay.” Dheh, “Muxuu idiinku cadaabaa dembiyadiinna awgeed?” Mayee, waxaad tihiin dad kamid ah waxa uu abuuray. Wuxuu u dembi dhaafayaa ciddii uu doono, oo cadaabayaa ciddii uu doono. Oo Allaah baa iska leh mulkiga cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyaba, waana Xaggiisa meel noqodka [wax waliba].
  19. Ehlu-Kitaabow [Yuhuud iyo Nasaarooy]! Waxaa idiin yimid Rasuulkayagii [Muxammad] isagoo idin caddaynaya kaddib kala go’ iyo hakad ku dhacay [taxanayaashii isdaba joogga ahaa ee] Rususha, si aydaan u oran, “Nooma imaan bishaareeye iyo dige midna.” Waxaase haatan idiin yimid bishaareeye iyo digeba. Oo Allaah wax walba waa Karaa.
  20. Oo [xus] markii uu Muusaa ku yiri qoomkiisii, “Qoomkayow! Xusa Nicmadda Allaah ee korkiinna, markii uu yeelay dhexdiinna anbiyo, oo idinka yeelay boqorro, oo idin siiyay wax aan la siin axadna uumanka kamid ah [dadkii iyo jinkii waqtigiinnii ahaa].”
  21. “Qoomkayow! Gala dhulka daahirka ah [Falastiin] oo Allaah idiin xil saaray, oo ha jeedinnina dhabarka [idinkoo carar ah] markaas waxaad soo gaddoomeysaan idinkoo khasaaray.”
  22. Waxay yiraahdeen, “Muusow! Waxaa jooga [dhulkan daahirka ah] qoom xoog badan, mana geleyno jeer ay ka baxaan, markii ay ka baxaanna waannu galeynaa.”
  23. Waxay yiraahdeen labo nin oo kamid ah kuwa ka cabsada [Allaah oo] u nicmeeyay [Yuushac iyo Kaalab], “Uga gala albaabka marka aad gashaan idinka baa adkaane, oo Allaah tala saarta, haddii aad mu’miniin tihiin dhab ah.”
  24. Waxay yiraahdeen, “Muusow! Innagu ma galeyno marnaba inta ay joogaan halkaa, ee taga adiga iyo Rabbigaa oo la dirira, innagu halkanaan fadhinaynaaye.”
  25. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Rabbiyow! Ma hanto waxaan ahayn nafteyda iyo walaalkay, ee na kala saar [xukun] innaga iyo qoomka ah faasiqiinta.”
  26. [Allaah] wuxuu yiri, “Iyadu [dhulkan daahirka ah, Falastiin] waa ka xaaraan iyaga muddo afartan sano ah oo ay ku jahwareeri dhulka, ee ha u murugoon qoomka ah faasiqiinta.”
  27. Oo u akhri [Muxammadow] iyaga [Yuhuudda] qisada labadii wiil ee Aadam [Haabiil iyo Qaabiil] oo xaq ah, markii ay u bixiyeen qurbaan [sadaqo ahaan] oo laga aqbalay midkood lagana aqbalin kii kale. Kii dambe [Qaabiil] baa wuxuu ku yiri kii hore [Haabiil], “Waan ku dilayaa.” Kii hore [Haabiil] wuxuu yiri, “Sideedaba wuxuu Allaah wax ka aqbalaa kuwa u hoggaansan amarradiisa oo ka jooga xumaha.”
  28. “Haddii aad iigu soo fidiso gacantaada inaad i disho, anigu kuugu soo fidin maayo gacantayda inaan ku dilo, maxaa yeelay anigu waxaan ka cabsanayaa Allaah, Rabbiga uumanka.”
  29. “Anigu waxaan rabaa inaad la gaddoonto dambigayga iyo dambigaagaba, oo aad kamid noqoto ehlu-Naarka, waana sidaas jaazada daalimiintuye.”
  30. Markaas bay u qurxisay [Qaabiil] naftiisii dilka walaalki, waana uu dilay, wuxuuna kamid noqday kuwa khasaaray.
  31. Wuxuuna Allaah soo diray tuke faagaya dhulka si uu u tuso sidii uu u aasi lahaa maydka walaalki. Wuxuu [Qaabiil] yiri, “Hoogaye! Miyaan ka caajisay inaan noqdo tukahaan oo kale oo aaso maydka walaalkay?” Wuxuuna kamid noqday kuwa qoomammeeyay.
  32. Sidaas darteed baan ugu farad yeelnay ilmahii Israa’iil in ciddii disha naf aan [dilin] naf ama fasaadin arlada, waa sida isagoo dilay dadka oo dhan, ciddii nooleysana naf [oo badbaadisa] waa sida qof nooleeyay [oo badbaadiyay] dadka oo dhan. Waxayna dhabtii ula yimaadeen Rusushayadii xujooyin cadcad, dabeeto intaas kaddib in badan oo iyaga [dadka] kamid ah waxay ku falaan xadgudub dhulka dhexdiisa.
  33. Jazaha kuwa la dagaallama Allaah iyo Rasuulkiisa oo ku socda dhulka fasahaad waa in la dilo ama la daldalo ama loo gooyo gacmahooda iyo lugahooda is dhaaf, ama laga masaafuriyo dhulka. Taasi waa dufayntooda adduunyadan, waxayna leeyihiin Aakhirada cadaab wayn.
  34. Marka laga reebo kuwa toobad keena inta aydaan qaban ka hor, oo ogaada inuu Allaah yahay Dambidhaaf Badane, Naxariis Badan.
  35. Kuwa [Xaqa] rumeeyow, ka cabsada Allaah, oo doonta asbaabta iyo waxyaalaha idiin dhowaynaya [waa iimaanka iyo camallada wanaagsan iyo ka-fogaanshaha shirkiga iyo macaasida] oo ku jihaada Jidkiisa aad liibaantaane.
  36. Xaqiiqdii, kuwa gaaloobay haddii ay lahaan lahaayeen waxa jira dhulka oo dhan iyo wax sidaa oo kale u badan oo wehliya si ay isaga furtaan cadaabta Maalinta Qiyaamaha lagama aqbaleen, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
  37. Waxay jeclaysan doonaan inay ka baxaan Naarta, marnabase kama bixi doonaan halkaa, waxayna leeyihiin cadaab ma guuraan ah.
  38. Tuugga iyo tuugadda gooya [inta ka billaabata cumaacunta, jalaqlayda] gacanta [midig], jaazayn ahaan waxa ay la yimaadeen oo xumaan ah, eed siin xagga Allaah ah, oo Allaah waa Awood Badane, Xikmad Badan.
  39. Kiise toobad keena dulmigiisa kaddib oo wax wanaajiya, shaki ma leh, Allaah waa ka toobad aqbalayaa. Xaqiiqdii Allaah waa Dambidhaaf Badane, Naxariis Badan.
  40. Sow ma ogid in Allaah leeyahay mulkiga cirarka iyo arlada? Wuxuu cadaabayaa ciddii uu doono oo u dembidhaafayaa ciddii uu doono, oo Allaah wax walba waa Karaa.
  41. Rasuulow [Muxammad] yaysan ku murugeyn kuwa ku degdega gaalnimada oo ah kuwa ka yiraahda afafkooda, “Waan rumaynay” qalbiyadoodusc ayan rumayn. Yuhuuddana waxaa kamid ah dad aad u dhagaysta beenaha, dhagcysta qoom kale oo aan kuu imaan. Waxay ka leexiyaan kalmadaha meelahooda, waxay yiraahdaan, “Haddii la idin siiyo kan [leexsan] qaata, haddiise aan la idin siinin ka digtoonaada.” Kii uu Allaah doono inuu fidmeeyo [dambaajiyo, diiddadiisa iimaanka darteed] waxba ugama tari kartid xagga Allaah, kuwaasuna waa kuwa uusan Allaah la doonin inuu ka daahiriyo qalbiyadooda [gaalnimada iyo munaafiqnimada], waxay ku leeyihiin dufayn adduunyada, Aakhiradana cadaab wayn.
  42. [Waxay jecel yihiin inay] dhagaystaan beenta, cunaan xaaraanta [ribada, laaluushka iyo wax lamida]. Ee haddii ay kuu yimaadaan [Muxammadow si aad u kala xukunto] markaa ama kala xukun dhexdooda ama isaga jeeso, haddii aad isaga jeesatana, waxba kuuma dhimi karaan. Haddii aad kala xukumaysana, ku kala xukun caddaalad dhexdooda. Xaqiiqdii Allaah waa jecel yahay kuwa u dhaqma sida caddaaladda ah.
  43. Sidee bayse kuugu xukuntamayaan iyagoo haysta Towraadda oo uu ku yaal xukunkii Allaah [oo cad], markaasna ay ka jeedsan intaas kaddib. Kuwaasina ma aha mu’miniin.
  44. Waxaan xaqiiqdii Annagu soo dejinnay Towraadda uu dhexdeeda ku sugan yahay Hanuun iyo Nuur, oo ay ku xukumayeen Nabiyadii u hoggaansamay Allaah kuwii Yuhuudoobay, waxaana wax ku xukumi jiray [Nabiyadaas kaddib] madaxdii iyo culimadii la saaray xilka inay dhowraan Kitaabka Allaah, waxayna ka ahaayeen markhaati ee haka baqina dadka ee iga baqa Aniga [Yuhuuddooy] oo haku gadannina Aayadahayga qiimo yar. Kii aan wax ku xukuminna waxa uu soo dajiyay Allaah, kuwaasu waa gaalo.
  45. Oo waxaana waajib ugaga dhignay dhexdeeda in nafta [loo qisaaso] nafta, ishana isha, sankana sanka, dhegtana dhegta, iliggana iligga, nabarradana waa laysu qisaasayaa. Kii cafiya in loo aar gooyo sadaqo ahaan, waxay u noqon kafaara gud [danbi dhaaf]. Kiise aan wax ku xukumin waxa uu soo dajiyay Allaah, kuwaasu waa daalimiin.
  46. Oo waxaan raacsiinnay raadkoodii Ciisaa ina Maryam, oo rumaynaya Towraaddii lasoo dajiyay isaga horti, Waxaannuna siinnay Injiilka uu ku sugan yahay Hanuun iyo Nuur oo rumaynaya Towraaddii lasoo dajiyay hortiis, oo hanuun iyo waano u ah kuwa Allaah ka cabsada.
  47. Ee ha xukumeen ehlu-Injiilka waxa Allaah kusoo dajiyay dhexdiisa. Kii aan wax ku xukumin waxa uu soo dajiyay Allaah, kuwaasu waa faasiqiin.
  48. Waxaana kuugu soo dejinnay [Muxammadow] Kitaabka [Qur’aanka] oo Xaq ah isagoo rumaynaya kutubtii ka horreeyay oo muhayman ah [marag iyo ilaaliye] korkooda [Kutubtii hore]. Ee ku kala xukun dhexdooda waxa uu soo dajiyay Allaah, oo ha raacin hawooyinkooda adigoo ka leexanaya waxa kuu yimid oo Xaq ah. Mid walbaa oo idin kamid ah waxaan u yeellay shareeco [xeer] iyo waddo cad. Haddii uu doono Allaah, wuxuu idin ka dhigi lahaa ummad keliya, laakiinse waa si uu idiinku imtixaano waxa uu idin siiyay, ee u tartama khayrka. Waa xagga Allaah meel noqodkiinna idinkoo dhan, markaasuu wuxuu idiin ka warrami doonaa wixii aad isku khilaafsanaydeen.
  49. Ee ku kala xukun [Muxammadow] dhexdooda waxa uu soo dajiyay Allaah, oo ha raacin hawooyinkooda, oo ka digtoonow inay kaa jeediyaan [Muxammadow] qaar kamid ah waxa uu kugu soo dajiyay Allaah. Haddii ay jeesadaanna, ogow inuu Allaah doonayo inuu u ciqaabo dambiyadooda qaarkood. Oo xaqiiqdii, in badan oo dadka kamid ahi waa faasiqiin.
  50. Ma xukunka [waayihii] jaahilnimada bay rabaan? Bal yaa uga xukun wanaagsan Allaah qoomkii wax yaqiinsan?
  51. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haka yeelannina Yuhuudda iyo Nasaarada awliyaa [sokeeyo, gacallo, xigaalo iyo wixi lamida], iyaga oo keliya baa isu ah sokeeyo iyo xigaalo [gacallo iyo gargaarayaal] qaarkoodba qaarka kale, kiinnii idin kamid ah oo ka dhigta sokeeye [gacal iyo xigto] oo idin kamid ah, wuxuu kamid yahay iyaga [gaalada]. Xaqiiqdii Allaah ma hanuuniyo qoomka ah daalimiinta.
  52. Waxaad arkaysaa kuwa uu qalbigooda ka jiro cudur [munaafiqnimo ah], oo u dagdagaya saaxiibtinnimadooda iyagoo leh, “Waxaannu ka baqaynaa inay nagu dhacdo dhibaato [socota].” Waxaase laga yaabaa in Allaah keeno guul ama arrin xaggiisa ah oo markaas noqdaan kuwo wixii ay ku qarsanayeen naftooda [oo gaal jacayl ah] ka shallaaya.
  53. Kuwa Xaqa rumeeyayna waxay oran doonaan, “Kuwaanu ma kuwii [munaafiqiintii] baa ku dhaartay Allaah dhaar adag inay idin la jiraan idinka [Muslimiinta]?” Waxaa buray camalkoodii [munaafiqnimadoodii darteed], waxayna noqdeen kuwo khasaaray.
  54. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Qofkii ka noqda diintiisa [ka riddooba Islaamka] oo idin kamid ah, wuxuu Allaah la imaan doonaa qoom uu jecel yahay, iyaguna jecel, u nugul mu’miniinta, ku ad-adag gaalada, ku jahaadaya Jidka Allaah, oo aan ka cabsanayn eedda kuwa wax eedeeya. Taasu waa Fadliga Allaah uu siiyo ciddii uu doono. Oo Allaah waa Waasic ku filan baahida uumankiisa, Cilmi Badan.
  55. Sideedaba Waligiinnu [gargaarahiinna, gacalkiinna, wakiilkiinna] waa Allaah, Rasuulkiisa, mu’miniinta, kuwaa u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Zakada iyagoo rukuucsan [u hoggaansan Allaah].
  56. Kii ka wali yeeshaana Allaah, Rasuulkiisa iyo kuwa [Xaqa] rumeeyay [Muslimiinta] xaqiiqdii xizbiga Allaah waa iyaga kuwa adkaan.
  57. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haka dhigannina awliyaa [sokeeye, xigto, gacallo] kuwa ka dhigta diintiinna jeesjees iyo ciyaar oo kamid ah kuwii la siiyay Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] idinka hortiin, iyo gaaladaba, oo ka cabsada Allaah haddii aad tihiin mu’miniin.
  58. Oo marka aad ku dhawaaqdaan is ogeysiinta salaadda [aadaanka], waxay ka dhigtaan jeesjees iyo cayaar. Taasi waxaa ugu wacan inay yihiin qoom aan wax garanayn.
  59. Dheh, “Ehlu-Kitaabkow [Yuhuudda iyo Nasaarada]! Ma waxaad nagu eedaysaan waxaan ahayn inaan rumaynay Allaah iyo waxa uu noo soo dajiyay iyo wixii lasoo dajiyay [innaga] horteen, iyo inaad badankiin idinku tihiin faasiqiin.”
  60. Dheh [Muxammadow], “Ma idiin ka warramaa wax taas ka shar badan, ee la xiriira abaal marinta Allaah agtiis ah, waa kuwaa [Yuhuudda ah] ee uu Allaah lacnaday oo u carooday, oo ka dhigay daayeerro iyo doofaarro, kuwaa caabuday daaquudka [Shaydaanka], kuwaas baa maqaam liita [Aakhirada], oo aadna uga dhunsanaan badan Jidka Toosan.
  61. Oo markii ay idiin yimaadaan waxay yiraahdaan, “Waan rumaynay,” iyagoo dhabtii lasoo galay gaalnimo, lana baxay [gaalnimo], oo Allaah waa og yahay waxa ay qarinayaan.
  62. Oo waxaad arkaysaa in badan oo kamid ah [Yuhuudda] oo u dagdagaya danbiga iyo xad gudubka, iyo cunidda xaaraanta [laaluush, ribo iyo wixi lamida], xumaa waxa ay falayaan.
  63. Maxay uga reebi waayeen ikhyaartu iyo culimadu kuhadalkooda hadallo danbi ah iyo cuniddooda xaaraanta, xumaa waxa ay samaynayaan.
  64. Waxay Yuhuuddu yiraahdeen, “Gacanta Allaah waa laaban tahay.” Ha noqdeen gacmadooda kuwa laaban, hana loo lacnado waxaas [xun] ay ku hadleen darteed. Mayee, Labadiisa Gacmoodba waa fidsan yihiin. Wuxuu u bixiyaa [Deeqdiisa] sidii uu doono. Wuxuuna u kordhiyaa in badan oo iyaga kamid ah waxa lagaaga soo dajiyay xagga Rabbigaa xadgudub iyo gaalnimo. Waxaan ka yeellay dhexdooda colaad iyo isnac ilaa Maalinta Qiyaamo, mar kasta oo ay huriyaan dab dagaalna waxaa damiya Allaah, waxayna la socdaan fasahaad arlada. Oo Allaah ma jecla kuwa wax fasaadiya.
  65. Oo haddii ay ehlu-Kitaabku [Yuhuudda iyo Nasaarada] rumayn lahaayeen [Muxammad] oo ay ka dhowrsan lahaayeen [shirkiga iyo macaasida] waxaan hubaashii ka tiri lahayn dembiyadooda oo galin lahayn beero barwaaqo ah.
  66. Oo haddii ay oogi lahaayeen Tawraadda, Injiilka iyo waxa [haatan] looga soo dajiyay xagga Rabbigood [Qur’aanka], waxay hubaashii ka cuni lahaayeen rizqi korkooda iyo cagahooda hoostooda. Waxaa kamid ah dad ku taagan waddada toosan [macnaha waa ku camal fala Qur’aanka oo rumeeya Nabi Muxammad sida Cabdullaahi bin Salaam], wax badanse oo kamid ah waxaa xun waxa ay falayaan.
  67. Rasuulkow [Muxammad]! Gaarsii waxa lagaaga soo dajiyay xaga Rabbigaa [dadka], haddiina aadan falin, ma aadan gaarsiin Fartiintiisa, oo Allaah baa kaa ilaalinaya dadka. Xaqiiqdii Allaah ma hanuuniyo qoomka gaalada ah.
  68. Dheh [Muxammadow], “Ehlu-Kitaabkow! Waxba ma tihidin jeer aad oogtaan Tawraadda, Injiilka iyo waxa [haatan] la idiin kasoo dajiyay xagga Rabbigiin [Qur’aanka].” Wuxuuna xaqiiqdii u kordhiyaa in badan oo kamid ah waxa lagaaga soo dajiyay [Muxammadow] xagga Rabbigaa xadgudub iyo gaalnimo, ee ha u murugoon qoomka gaalada ah.
  69. Hubaashii, kuwa [Xaqa] rumeeyay [Muslimiinta], kuwa Yuhuudda ah iyo Saabi’iinta iyo Nasaarada, kii kastoo rumeeya Allaah iyo Maalinta Aakhiro, oo fala camallo wanaagsan, korkooda ma ahaan doonto wax cabsi ah, mana murugoon doonaan.
  70. Waxaan dhabtii ka qaadnay wacad ilmahii Israa’iil oo u dirnay Rusul. Mar kasta uu ula yimaado Rasuul wax aysan doonayn naftoodu, qaar way beeniyaan, qaarna dilaan.
  71. Waxayna moodeen inaysan jirin wax fidna ah [imtixaan ama ciqaab], markaasay noqdeen kuwo indha la’ oo dhega la’, intaas kaddib Allaah waa iska cafiyay oo ka toobad aqbalay, haddana mar kale bay noqdeen kuwo indha la’ oo dhega la’. Oo Allaah waa arkaa waxa ay falayaan.
  72. Dhabtii waa gaaloobeen kuwa yiraahda, “Allaah waa Masiixa [Ciisaa] ina Maryam.” Wuxuuna yiri Masiixu [Ciisaa], “Ilmahii Israa’iilow! Caabuda Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiin. Xaqiiqdii, kii u shariig yeela Allaah oo la wadaajiya cibaadada cid kale, wuxuu dhabtii Allaah ka xaaraameeyay Jannada, hoygiisuna waa Naarta. Mana laha daalimiintu wax u gargaara.”
  73. Dhabtii waa gaaloobeen kuwa yiraahda, “Allaah waa saddexeeyaha saddexda [ilaah].” Mase jiro ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Ilaah Keliya [Allaah]. Haddii aysanna ka harin waxa ay sheegayaan, waxaa xaqiiqdii ku dhici doonta kuwa gaaloobay oo kamid ah cadaab xanuun badan.
  74. Mawaysan u toobad keenayn Allaah oo weydiisanayn Dembidhaafkiisa? Oo Allaah waa Dambidhaaf Badane, Naxariis badan.
  75. Masiixu [Ciisaa] ina Maryam, ma aha waxaan rasuul ahayn, waxaana tagay hortiis rusul badan, hooyadiina [Maryam] waxay ahayd siddiiqah [rumeyso run badan], waxay cuni jireen raashinka [sida dadka kaleba, halka uusan Allaah wax cunin]. Fiiri sida aan ugu caddaynayno aayadaha, oo fiiri sida looga duwo [Xaqa].
  76. Dheh [Muxammadow], “Ma waxaad caabudaysaan Allaah ka sokow wax aan idiin hanan karin dhib iyo dheef midna?” Oo waa Allaah Maqal Badanaha Cilmiga Badan.
  77. Dheh [Muxammadow], “Ehlu-Kitaabow [Yahuudda iyo Nasaarada]! Haku xadgudbina xagga diintiinna [idinkoo rumaynaya wax] aan xaq ahayn, oo ha raacina hawooyinka qoom dhab ahaan dhumay mar hore oo dhumiyay in badan, kana dhumay iyaga [naf ahaantooda] Jidka Toosan.”
  78. Waxaa lagu lacnaday kuwii gaaloobay oo kamid ahaa ilmahii Israa’iil carrabka Daawuud iyo Ciisaa ina Maryam caasinimadoodii darteed iyo xadgudubkoodii.
  79. Waxay ahaayeen kuwo aan iska reebin munkarka [shirkiga iyo macaasida] ay falayaan, xumaa waxa ay falayeen.
  80. Waxaad arkaysaa in badan oo kamid ah oo ka sokeeye dhiganaya gaalada, xumaa waxa ay naftooda u hormarisay oo ah inuu Allaah u carooday, cadaabtana ay ku waarayaan.
  81. Oo haddii ay rumaysan yihiin Allaah iyo Nabiga [Muxammad] iyo waxa lagusoo dajiyay, kama ay dhigteen [gaalada] sokeeye, laakiinse in badan oo kamid ah waa faasiqiin.
  82. Waxaad hubaashi heli doontaa kuwa uga cadawnimo badan dadka dhexdiisa mu’miniinta [Muslimiinta] inay yihiin Yuhuudda iyo Mushrikiinta, oo waxaad heli doontaa kuwa ugu gacalo dhow mu’miniinta [Muslimiinta] inay yihiin kuwa yiraahda, “Waxaannu nahay Nasaaro.” Waxaana taas ugu wacan inay kamid yihiin qaysas iyo raahibiin, ismana kibriyaan.
  83. Oo markii ay maqlaan waxa lagusoo dajiyay Rasuulka [Muxammad], waxaad arkaysaa indhahooda oo ay ka qubanayso ilmada Xaqa ay garteen awgi. Waxay yiraahdaan, “Rabbiyow! Waan rumaynay, ee nagu qor la jirka kuwa qira [Xaqa].”
  84. “Oo maxaannaan u rumaynayn Allaah iyo waxa noo yimid oo Xaqa ah oo aannaan u damcayn inuu na galiyo Rabbigeen [Jannada gudaheeda Maalinta Qiyaamaha] la jirka qoomka suubban [Nabi Muxammad iyo asxaabtiisa].”
  85. Markaas buu Allaah ku abaal mariyay wixii ay yiraahdeen awgeed beero ay wabiyadu hoos qulqulayaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood. Taasu waa abaalka sama falayaasha.
  86. Kuwase gaaloobay oo beeniyay Aayadahayaga, kuwaasu waa ehlu-Naar.
  87. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ha xarrimina dayyibaadka [waxyaalaha wanaagsan] uu Allaah idiinka dhigay xalaasha, oo ha xad gudbina, xaqiiqdii Allaah ma jecla kuwa xadgudba.
  88. Oo wax ka cuna wax kamid ah waxyaalaha uu Allaah idinku irzaaqay oo xalaal ah wanaagsan, oo ka cabsada Allaah oo ah Kan aad rumaysan tihiin.
  89. Allaah idiinma qabanayo dhaar aan niyad ahayn oo dhaarihiinna ah, laakiinse wuxuu idiin qabanayaa dhaarahiinna niyadda ah. Kafaara gudkeedana waa quudin toban qof oo miskiin ah [oo aad siisaan] kan u fiican waxa aad ku quudisaan reerihiinna ama u arrad tirkooda [siinta dhar toban qof oo miskiin ah], ama xoreyn qoor, kiise aan heli karin waa inuu soomaa saddex maalmood. Taasu waa kafaara gudka dhaarihiinna marka aad dhaarataan. Ee xafida dhaarihiinna [macnaha waa ha dhaarannina wax badan]. Sidaas buu Allaah idiinku caddaynayaa Aayadihiisa si aad u shukridaan.
  90. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Khamrada, qamaarka iyo sanammada iyo faalku waa qurun camal Shaydaan ah ee ka fogaada aad liibaantaane.
  91. Wuxuu Shaydaan rabaa oo kaliya inuu idinku dhex dhigo colaad iyo isnac khamrada iyo qamaarka, oo idin ka jeediyo xusidda Allaah iyo salaadda, ee maka joogaysaan?
  92. Oo adeeca Allaah iyo Rasuulka [Muxammad] oo digtoonaada. Haddiise aad jeesataan, ogaada waxaa uun saaran Rasuulkayaga gaarsiin cad.
  93. Kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban ma jiro wax danbi ah oo ku saaran wixii ay quuteen [waa hore], haddii ay ka cabsadaan Allaah [iyagoo ka fogaanaya waxyaalaha uu reebay], oo rumeeyaan oo falaan camallo wanaagsan, oo misna ka cabsadaan Allaah oo rumeeyaan, oo misna mar kale ka cabsadaan Allaah oo samaan falaan. Oo Allaah waa jecel yahay sama falayaasha.
  94. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Wuxuu Allaah idinku imtixaani doonaa wuxuun [la xiriira] ugaar ay gaarayaan gacmihiinna iyo warmihiinnu, si uu u muujiyo kii uga cabsada maqnaanta [yacni isagoon arag]. Ee kii xadgudbaa intaas kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.
  95. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ha dilina ugaarta idinkoo u xarman [Xaj ama Cumro], kii idin kamid ah oo u dila ula kac [ugaar isagoo ixraaman], eed siintiisu [ganaaxa] waa hadyi la keenayo Kacbada, oo xoolo nicmoolay ah oo u dhigma wixii uu dilay, oo sida ay u xukumaan ah labo nin oo caddaalad leh oo idin kamid ahi, ama kafaara gud quudin dad masaakiin ah ama dhigankeed oo soomid ah, si uu u dhadhamiyo culayska [ciqaabta] falkiisa, Allaah waa idinka cafiyay wixii tagay, kiise u noqdaa danbigaa mar kale, Allaah waa ka aar gudan doonaa. Oo Allaah waa Awood Badane, Aarsada.
  96. Waa la idiin xalaaleeyay [dalabka] ugaarta badda iyo cuniddeeda si aad u intifaacsataan idinka iyo kuwa socotada ahba, waxaase la idin ka xarrimay ugaarta barriga inta aad ku jirtaan xaaladda ixraamka [yacni u xarman tihiin Xaj iyo Cumro] oo ka cabsada Allaah ee ah Kan xaggiisa la idiin soo kulmin doono.
  97. Wuxuu ka yeelay Allaah Kacbada beytka [guriga] xurmada leh dhawridda dadka iyo bilaha xurmada leh iyo xoolaha hadyiga ah, iyo calaamaysanayaasha [dad ama xoolo lagu calaameeyay qoor gashiyo ku xiran luqumahooda si loo nabad galiyo], taasuna waa si aad u ogaataan in Allaah og yahay waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, iyo in Allaah og yahay wax walba.
  98. Ogaada in Allaah ciqaab daran yahay, iyo in Allaah dambi-dhaaf iyo naxariis badan yahay.
  99. Ma saarna Rasuulka [Muxammad] waxaan ahayn gaarsiinta [Fartiinta]. Oo Allaah waa ogyahay waxa aad muujinaysaan iyo waxa aad qarinaysaanba.
  100. Dheh [Muxammadow], “Ma sinna xumaanta iyo samaanta si kastaba, badnaanta waxa xumi haku cajab galisee.” Ee ka cabsada Allaah waxgaradkow aad liibaantaane.
  101. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ha waydiinnina waxyaalo haddii la idiin caddeeyo aad ka xumaanaysaan. Haddiise aad weydiisaan marka Qur’aanka lasoo dajinayo la idiin caddaynayo, Allaah waa idinka cafiyay, oo Allaah waa Dambidhaaf Badane, Dulqaad Badan.
  102. Waxaa dhabtii waydiiyay su’aalahaa oo kale qoom idin ka horreeyay, markaasay noqdeen kuwo ku gaalooba.
  103. Ma yeelin Allaah baxiirah [xoolo caanahooda loo bixiyo sanammada] ama saa’iba [xoolo sanammada loo sii daayo aan waxba la oggoleen in la saaro dushooda] ama wasiilah [hal loo hibeeyo sanamadooda] ama xaam [awr baar qab ah oo loo daayo sanamyada, kaddib markii uu dhammaystay rimin dhowr ah oo loo xarig furay] laakiinse kuwii gaaloobay waxay ku been abuuranayaan Allaah, badankooduna ma laha garasho.
  104. Oo marka lagu yiraahdo, “Ukaalaya waxa Allaah soo dajiyay iyo Rasuulka [Muxammad si uu uga arrimiyo waxa aad ka yeesheen xaaraanta],” waxay yiraahdaan, “Waxaa nagu filan wixii aan hellay aabbayaashayo iyagoo raacaya,” oo haddii ayan aabbayaashood wax ogayn oo hanuunsanayn [ma raacayaan]?
  105. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Waxaa la idin saaray naftiinna, wax dhib ah idinkama soo gaarayaan ciddii dhunta haddii aad hanuunsanaataan. Waa xagga Allaah meel noqodka idinkoo dhan, markaasuu idiinkaga warrami doonaa waxaad camal falayseen.
  106. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Marka ay geeridu kusoo dhowaato midkiin, oo uu dardaarmayo, marag gashada labo nin oo caadiliin ah oo dadkiinna ah ama labo kale oo qayrkiin ah, haddii aad maraysaan dhulka oo ay musiibada geeridu idin hesho, celiya labadoodaba salaadda kaddib, [dabadeedna] haddii aad ka shakidaan [inay run sheegayaan iyo in kale], labadoodaba haku dhaartaan Allaah [iyagoo dhihi] “Innagu ku dooni mayno wax dheef adduun ah arrintani, qaraababa ha ahaadee, oo qarin mayno maragta Ilaahay, [haddii aan qarinno ama been sheegno] waxaannu nahay danbiilayaal.”
  107. Haddii la ogaado inay muteen danbi, labo kale haloo bixiyo inay soo istaagaan meeshooda, ka xiga qaraabo ahaan oo laga soo saarayo kuwaa sheeganaya xaq sharci ah dhexdood. Waxayna ku dhaaranayaan Allaah [iyagoo oranaya] “Maraggayaga baa ka xaqsan maraggooda, ma xad gudbeyno, [haddii aan xad gudubno] waxaannu nahay daalimiin.”
  108. Sidaas baana u dhow inay maragga ula yimaadaan wajigiisa runta ah [oo sidaas darteed loo aqbalo], ama haddii kale waxay ka cabsanayaan in dhaaraha [kale] la qaato dhaarahooda kaddib. Kana cabsada Allaah oo maqla. Oo Allaah ma hanuuniyo qoomka ah faasiqiinta.
  109. Maalinta uu wada kulmin doono Allaah Rususha oo ku oran doono, “Maxaa la idiinku jawaabay [Fartiintiinnii]?” Waxay oran doonaan, “Ma ogin, xaqiiqdii Adigaa ah Ogsoonaha Ghaybka.”
  110. Oo [xus] marka uu Allaah oran doono [waa Maalinta Qiyaamaha], “Ciisow ina Maryam! Xus Nicmaddaydii korkaaga ahayd adiga iyo hooyadaaba markii aan kugu xoojiyay Ruuxul-Qudus [Jabriil] oo aad kula hadashay dadka adigoo murjuc dhashay ah iyo qaangaarnimadiiba, iyo markii aan ku baray Kitaabka iyo Xikmadda iyo Tawraadda iyo Injiilka, iyo markii aad ka yeelaysay dhoobada wax leh muuqaal shimbir si Idankay ah, oo aad afuufaysay oo ay markaa noqonaysay shimbir Idankayga, waxaadna bogsiinaysay kuwii ku dhashay indha la’aanta, iyo baras qabeennada, si Idankayga ah, waxaadna soo saaraysay iyagoo nool maytida si Idankayga ah, iyo markii aan kaa celiyay ilmahii Israa’iil [markii ay goosteen inay ku dilaan] maadaama aad ula timid xujooyin cadcad, kuwoodii gaalada ahaana ay yiraahdeen, ‘Waxakanu ma aha waxaan ahayn sixir iska cad.’
  111. “Oo xus markii aan ku ilhaamiyay xertii Ciisaa inay i rumeeyaan iyo Rasuulkaygaba, waxay yiraahdeen, ‘Waan rumaynay ee marag ka ahaw inaannu nahay Muslimiin.’”
  112. Oo [xus] markii ay xertii Ciisaa yiraahdeen, “Ciisa ibnu Maryamow! Ma awoodaa Rabbigaa inuu nooga soo dajiyo xeero lagu fidiyay [raashin] cirka?” Wuxuu [Ciisaa] yiri, “Ka cabsada Allaah haddii aad tihiin mu’miniin.”
  113. Waxay yiraahdeen, “Waxaan rabnaa inaan wax ka cunno, oo aan kororsanno iimaan oo ku xasisho quluubtayada, oo aan ogaanno inaad run noo sheegayso, oo aan ahaanno kuwo ka markhaati ah.”
  114. Wuxuu Ciisaa ina Maryam yiri, “Allahayow! Rabbigayow! Nooga soo deji xeero xagga samada [ay ka buuxdo raashin] si ay noogu ahaato ciid innaga kaayaga hore iyo kaayaga dambaba iyo calaamo xaggaaga ah, oo nasii irzaaqad, Adiga baa u wanaagsane inta wax irsaaqda.”
  115. Allaah wuxuu yiri, “Waan kusoo dajinayaa korkiinna, ee kii idin kamid ah oo gaalooba taas kaddib, waxaan cadaabayaa cadaab aanan cadaabi doonin iyadoo kale cid kamid ah uumanka.”
  116. Oo [xus] marka Allaah oran doono [Maalinta Qiyaamaha], “Ciisa ina Maryamow! Ma adigaa ku yiri dadka, ‘Iga yeesha aniga iyo hooyaday labo ilaah Allaah ka sokow?’” Wuxuu oran doonaa, “Adigaa Nazahan! Iguma habboona inaan iraahdo wax aan u lahayn xaq. Haddii aan oran lahaa waxaa oo kale, Adigu hubaashii waad ogaan lahayd, Waxaad og tahay waxa ku jira naftayda, aniguse ma ogi waxa ku jira Naftaada. Xaqiiqdii Adiga baa ah Kan dhab u ogsoon Ghaybka [waxa qarsoon].”
  117. “Kuma aan oran waxaan ahayn wixii aad i amartay inaan iraahdo, ‘Caabuda Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiin.’ Waxaan anigu markhaati ku ahaa intii aan la joogay, markiise aad i oofsatay, Adiga baa dhowrayay oo ujeeday, oo Adigaa Markhaati ka ah oo arka wax walba.”
  118. “Haddii aad cadaabto, waa addoommahaagii, haddii aad u danbi dhaaftana, xaqiiqdii Adiga baa ah Awood Badanaha, Xikmadda Badan.”
  119. Allaah wuxuu oran doonaa, “Tanu waa Maalin ay wax u tari doonto runlowyada runtoodu, waxay leeyihiin beero ay wabiyadu hoos qulqulayaan [Jannada gudaheeda] iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood. Waxaa ka raalli noqday Allaah, iyaguna way ka raalli noqdeen. Taasina waa liibaanta wayn.”
  120. Allaah baa iska leh mulkiga cirarka iyo dhulka iyo waxa gudahooda ah, oo Allaah wax walba waa Karaa.

Suuradda 6aad: Al-Ancaam [Xoolaha]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Ammaan iyo mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, ee abuuray cirarka iyo dhulka, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, kuwase gaaloobay Rabbigood bay wax la simaan [la caabudaan].
  2. Allaah waa Kan idinka abuuray dhoobo, markaas [idiin] qaddaray muddo go’an [aad ku dhimataan], iyo muddo kale oo go’an [oo la idiin kasoo bixinayo qubuuraha] uu agtiisa ku haysto, waxaadse idinku [gaaladooy] ka shakidaan [soo bixinta iilka lasyka soo saarayo].
  3. Allaah waa Macbuudka Xaqa ah cirarka gudahooda iyo dhulkaba, wuxuu og yahay sirtiinna iyo caadkiinna, wuxuuna og yahay waxa aad kasbataan [samaan ama xumaan].
  4. Oo uma timaaddo aayad [calaamo, mucjizo] kamid ah aayadaha [calaamooyinka, mucjizadaha] Rabbigood, bal waa ka jeesadaan.
  5. Waxay dhabtii beeniyeen Xaqa [Qur’aanka iyo Muxammad] markii ay u yimaadeen, waxaase u imaan doona wararka wixii [cadaabta] ay ku jeesjeesi jireen.
  6. Ma waysan ogaan inta aan halaagnay hortood qaruumo, kuwaasoo aan uga suurta galinnay dhulka waxaannaan idiinka suurta galin? Waxaannuna uga soo daynay cirka [roob] darar ah, waxaana ka yeelnay wabiyada kuwo socda hoostooda. Waxaanse u halaagnay dambiyadoodii darteed, oo abuurnay iyaga gadaashood qaruumo kale.
  7. Oo haddii aan kugusoo dajin lahayn [Muxammadow] kitaab ku qoran waraaq oo ay ku taaban lahaayeen gacmahooda, waxay oran lahaayeen kuwa gaaloobay, “Waxakanu ma aha waxaan ahayn sixir iska cad.”
  8. Waxayna yiraahdeen, “Maxaa malag loogusoo dajin waayay?” Haddii aan soo dajin lahayn malag, arrinka [halaaggooda] wuxuu noqon lahaa mid la xukumay, oo lama siiyeen wax kansho ah.
  9. Oo haddii aan soo diri lahayn malag, waxaan hubaashii ka dhigi lahayn nin, oo isaga dari lahayn iyaga [gaalada] arrinka oo ka galin lahayn wareer, sida ay iyaguba awal wareer isaga galiyeen [Islaamka].
  10. Oo waxaa dhabtii lagu jeesjeesay Rusul [badan] hortaa, waxaana ku dhacay kuwii ku jeesjeesay wixii [ciqaabtii] ay ku jeesjeesi jireen.
  11. Dheh [Muxammadow], “Mara dhulka oo fiiriya, sida ay ahayd ciribta kuwii [Xaqa] beeniyay.”
  12. Dheh [Muxammadow], “Kumaa leh waxa ku sugan cirarka iyo dhulka?” Dheh, “Allaah,” wuxuu ku waajibiyay Naftiisa naxariis, wuxuu hubaashii idiin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha, shakina kuma jiro, kuwa khasaariyay naftooda ma rumayn doonaan.
  13. Allaah baa iska leh wax kastoo ku guda jira habeenka iyo maalintaba, waana Isaga Maqal Badanaha, Cilmiga Badan.
  14. Dheh [Muxammadow], “Ma waxaan ka yeeshaa wali [rabbi, ilaaliye, wax la caabudo, gacal] waxaan ahayn Allaah, abuuraha cirarka iyo dhulka? Waana Isaga Kan quudiya [uunkiisa] oo aan loo quudin.” Dheh, “Waxaa aniga la i amray inaan noqdo kan u horreeya kuwaa u hoggaansama [Allaah oo isu dhiiba].” Hana kamid noqonin [Muxammadow] mushrikiinta.
  15. Dheh, “Anigu waxaan ka cabsanayaa, haddii aan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin Wayn.”
  16. Ciddii laga duwo [cadaabta] Maalintaas, dhabtii waa aad u Naxariisatay, taasina waa Liibaanta Cad.
  17. Oo haddii Allaah ku taabsiiyo dhib, ma jiraan wax kaa faydi kara dhibkaa aan Isaga ahayn, oo haddii uu ku taabsiiyo khayr, Isaga baa wax walba Kara.
  18. Waana Qahrin Badanaha [Qasbaha] ka korreeya addoomahiisa, waana Isaga Xikmad Badanaha, Xog Ogaalka ah.
  19. Dheh [Muxammadow], “Maxaa u wayn markhaati?” Dheh, “Allaah baa marag ah dhexdeenna aniga iyo idinkaba, waxaana la iigu waxyooday Qur’aankan inaan idiinku digo idinka iyo ciddii uu gaaraba, ee idinku ma waxaad ka marag kacaysaan inay Allaah la jiraan ilaahyo kale?” Dheh, “Anigu ka marag kici maayo markhaatigaa [oo kale].” Dheh, “Wax kale maahee Isagu waa Ilaah Keliya, aniguna waxaan bari ka ahay waxa aad [Allaah] la wadaajinaysaan cibaadada.”
  20. Kuwa aan siinnay Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada] waxay u gartaan [Muxammad Rasuul Allaah soo diray ahaan], sida ay u gartaan ilmahooda. Kuwa khasaariyay naftooda ma rumayn doonaan.
  21. Oo yaa ka dulmi badan mid ku been abuurta Allaah ama beeniya Aayadihiisa? Daalimiintu ma liibaanaan.
  22. Oo Maalinta aan soo wada kulmin doonno iyagoo dhan, waxaan ku oran doonnaa kuwii nala wadaajiyay cid kale cibaadada, “Meeye kuwii aad la wadaajiseen [Allaah] cibaadada?”
  23. Markaas ma helaan wax xujo iyo cudur daar ah aan ahayn inay yiraahdaan, “Wallaahay, Rabbigayow! Ma aannan ahayn mushrikiin.”
  24. Fiiri sida ay uga been sheegaan naftooda, oo uga dhumeen wixii [baadilkii] ay been abuuran jireen.
  25. Oo waxaa kamid ah qaar ku dhagaysta, waxaanse yeellay qalbiyadooda dabool si ayan u fahmin Qur’aanka, dhagahoodana dhakanaan iyo culays, haddii ay arkaan aayad kasta ma rumaynayaan, markii ay kuu yimaadaanna si ay kuula doodaan, waxay kuwa gaaloobay yiraahdaan, “Kani [Qur’aanku] ma aha waxaan ahayn sheekooyinkii kuwii hore.”
  26. Waxayna ka reebaan dadka [rumaynta iyo raacidda Nabi Muxammad] iyaguna ka fogaadaan, [faliddooda sidaasina] kuma halaagayaan waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana.
  27. Haddii aad arki lahayd marka la joojin [gaalada] Naarta dusheeda, waxay oran doonaan, “Alla haddii naloo celin lahaa [adduunkii], ma beenin lahayn Aayaadka Rabbigayo, waxaana kamid ahaan lahayn mu’miniinta.”
  28. Mayee, waxaa u muuqday waxay qarinayeen awal hore. Haddiina loo celin lahaa [adduunka], waxay hubaashii ku noqon lahaayeen wixii laga reebay, waana beenaalayaal.
  29. Waxay yiraahdaan, “Ma jirto [nolol kale] aan ahayn noloshayada [tan] adduunkan, nalamana soo bixinayo [Maalinta Qiyaamaha].”
  30. Oo haddii aad arki lahayd marka la hor joojiyo Rabbigood, Wuxuu ku oran doonaa, “Soo ma aha waxani [soo bixinta iyo is xisaabinta] xaq?” Waxay oran doonaan, “Haah, waa innagu Rabbigeene.” Wuxuu markaa oran doonaa, “Haddaba dhadhamiya cadaabta wixii aad gaaloobi jirteen darteed.”
  31. Waxaa dhabtii khasaaray kuwa beeniyay la kulanka Allaah, ilaa markay ugu timaaddo Saacaddu [calaamadahii dhimashada] si kedo ah, waxay yiraahdaan, “Shallaytadannoo waxaan ku gabood falnay dhexdeeda,” waxayna ku qaadi doonaan culaysyadooda [danbiyadooda] dhabarradooda. Xumaa culaysyada [danbiyada] ay xambaari doonaan.
  32. Oo ma aha nolosha adduunku waxaan ahayn cayaar iyo madaddaalo, oo Daarta Aakhiro baa u khayr badan kuwa u hoggaansan Allaah oo ka dhawrsada xumaha, ee ma waydaan garasho lahayn?
  33. Waxaan dhabtii ognahay inay ku murugo galiso [Muxammadow] hadalladoodu, mana aha xaqiiqdii adiga waxa ay beeninayaan, laakiinse daalimiintu waa Aayadaha Allaah waxay diidayaan.
  34. Oo waxaa dhabtii la beeniyay Rusul [badan] oo kaa horreeyay adiga [Muxammadow] waase ku sabreen beenintaa, waana la dhibay ilaa uu u yimid gargaarkayaga, ma jiraanna wax baddali karaa kalmadaha [go’aamada] Allaah. Waxaana dhabtii kusoo gaaray warkii Rusushii [kaa horraysay].
  35. Oo haddii ay kugu waynaatay [cuslaatay] kasii jeesigooda [xaggaaga Muxammadow iyo wixii lagula soo diray oo aadan u sabri karayn dhibka ay kuu gaystaan] haddii aad karto inaad yeelato dawlaan dhulka hoostiisa ah, ama jaranjaro aad ku fuusho cirka si aad ugu keento calaamo [samee, mana samayn kartide ee sabar]. Haddiina uu Allaah doono wuxuu ku kulmin lahaa iyagoo dhan hanuunka, ee ha kamid noqon jaahiliinta.
  36. Waxaa oggolaada [oo wax ka dheefa Risaalada Nabi Muxammad], kuwa wax maqla, maytidana [gaalada] waa soo bixin doonaa Allaah, oo Xaggiisa baa loo celin doonaa [jaazayn darteed].
  37. Waxayna yiraahdeen, “Maxaa looga soo dajin waayay calaamo [mucjizad] xagga Rabbigi?” Dheh, “Hubaashii Allaah waa Karaa inuu soo dejiyo calaamo, laakiin badankoodu ma oga.”
  38. Ma jiraan wax [noole] ku socda dhulka, iyo shimbir ku duushaba labadeeda baal, aan ahayn ummado idin lamid ah. Ugama aannu tagin waxba Kitaabka [Looxa Maxfuudka] gudahiisa, oo xagga Rabbigood baa loo soo kulmin doonaa.
  39. Kuwana beeniya Aayadahayaga waa wax dhaga la’ oo af la’ oo ku jira mugdiyo. Kii uu doono Allaah waa baadiyeeyaa, kii uu doonana wuxuu yeelaa Jid Toosan.
  40. Dheh [Muxammadow], “Bal ka warrama haddii uu idiin yimaado Cadaabka Allaah ama idiin timaaddo Saacaddu, ma axad kale aan ahayn Allaah baad baryaysaan haddii aad run sheegaysaan?”
  41. Mayee! Isaga oo kaliya baad baryaysaan, oo faydaya [dhibtaa] aad uga gargaar dalbaysaan haddii uu doono, waadna hilmaamtaan waqtigaa wixii ilaahyo [been ah] aad la wadaajinayseen cibaadada.
  42. Oo Waxaan dhabtii u dirray [Rusul] ummado kaa horreeyay [Muxammadow]. Waxaana ku qabannay dhibaatooyin iyo jirrooyin bal inay baryaan Allaah si khushuuc leh.
  43. Ee markii ay u timid Cadaabtayadii, maxay Allaah u baryi waayeen si khushuucsanaan leh? Mayee qalbiyadooda baa qallalay, oo Shaydaan baa u qurxiyay wixii ay fali jireen.
  44. Markii ay halmaameen [ka jeesadeen] wixii lagu waaniyay, waxaan u furnay albaabbada wax kasta, markay ku farxaan waxa la siiyay oo raaxo ah, waxaan ugu qabannaa si kedis ah cadaab, markaas bay ahaadaan kuwo quusta.
  45. Waxaana la gooyay ciribta kuwii dulmiga [shirkiga iyo macaasida] falay. Ammaan iyo mahad idilkeedna waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
  46. Ku dheh [gaalada], “Bal ka warrama, haddii Allaah qaado maqalkiinna iyo araggiinna, oo daboolo qalbiyadiinna, waa kuma ilaaha aan ahayn Allaah oo idiin soo celin kara?” Fiiri sida aan ugu faahfaahinno aayadaha, waana ka jeesadaan.
  47. Dheh, “Idiinku bal ka warrama, haddii ay timaaddo cadaabta Allaah kedis [habeennimada] ama si caddaan ah [maalinnimada], miyaa la halaagaa waxaan ahayn qoomka ah daalimiinta?”
  48. Oo umasoo dirno rususha waxaan ahayn bishaarooyin sidayaal iyo digayaal. Marka kii [Xaqa] rumeeya oo fala camallo wanaagsan oo suubban, kuwaas oo kale ma aha cabsi korkooda mana murugoon doonaan.
  49. Kuwase beeniya Aayadahayaga, waxaa taaban doona cadaab faasiqnimadoodii darteed.
  50. Dheh [Muxammadow], “Idinkuma oranayo waxaan hayaa khasnadaha Allaah, mana ogi cilmi Ghaybka [waxa qarsoon ama maqan oo aan muuqan] oo idinkuma oranayo waxaan anigu ahay malag. Mana raacayo waxaan ahayn waxa la ii waxyoodo.” Dheh, “Miyay siman yihiin kan indhaha la’ iyo kan wax arka? Mawaydaan fakarayn?”
  51. Oo ugu dig [Qur’aanka] kuwa ka cabsada in loo soo kulmiyo xagga Rabbigood iyagoo aan lahayn sokadiis wax gargaare iyo shaafeece ah midna, bal inay ka dhowrsadaan [xumaha].
  52. Oo ha eryin [ka jeesan] kuwa barya Rabbigood, subax iyo galabba iyagoo doonaya Wajigiisa. Waxba kaama saarna xisaabtooda, iyagana xisaabtaada waxba kama saarna, [ee iska jir] inaad erido [ka jeesato], oo sidaas uga mid noqoto daalimiinta [geflowyada].
  53. Sidaas baan isugu imtixaannay [dadka] qaarkoodba qaar kale inay yiraahdaan, “Ma kuwaan [mu’miniinta saboolka ah] baa kuwa Allaah ku mannaystay [Islaamka oo doortay] dhexdeenna?” Mawuusan Allaah ahayn Kan Og kuwa shukriya?
  54. Marka ay kuu yimaadaan kuwa rumeeyay Aayadahayaga dheh, “Nabadi korkiinna ha ahaato, Rabbigiin wuxuu ku waajibiyay Naftiisa Naxariis, sidaa awgeed, haddii uu midkiin ku falaa xumaan jahli iyo war la’aan, markaas kaddibna toobad keeno oo falo camallo wanaagsan oo suubban, hubaaashii Allaah waa Dambidhaaf Badane, Naxariis Badan.”
  55. Sidaas baan u faahfaahinnaa Aayadaha si ay u caddaato waddada mujrimiintu.
  56. Dheh [Muxammadow], “Waxaa aniga la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baridaan [caabuddaan] Allaah sokadi.” Dheh, “Ma raacayo hawooyinkiinna, [haddii aan sidaas yeelo] waa inaan dhabtii markaas dhunsanahay mana ahaan lahayn mid kamid ah kuwa hanuunsan.”
  57. Dheh [Muxammadow], “Anigu waxaan ka haystaa xujo [cad] xagga Rabbigay, waadse beeniseen, mana hayo waxa aad dagdagsanaysaan sida sabar la’aanta ah [cadaabta]. Xukunka waxaa iska leh Allaah, wuxuuna xukumayaa Xaqa, waana Isaga Kan u wanaagsan inta wax kala saarta.”
  58. Dheh, “Haddii aan hayn lahaa waxa aad u dagdagsanaysaan sida sabar la’aanta ah [cadaabta], wuxuu ahaan lahaa arrinka dhexdeenna ah aniga iyo idinka mid la xukumay. Oo Allaah waa og yahay daalimiinta.”
  59. Oo wuxuu [Allaah] hayaa furayaasha Ghaybka [dhammaan waxa qarsoon, maqan aan muuqan], ma jiro axad og aan Isaga ahayn. Wuxuuna og yahay wax kasta oo ku sugan barriga iyo baddaba, oo ma jirto caleen soo dhacdaa uusan ogayn, oo ma jirto iniin taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan oo aan ku qornayn Kitaab cad [Looxa Maxfuudka].
  60. Waa Allaah Kan oofsada nafahiinna habeenka [marka aad huruddaan], oo ogsoon waxa aad fashaan maalinnimada, markaasuu idiin soo bixiyaa [kiciyaa] mar kale si loo oofiyo muddo magacaaban [muddada noloshiinna], oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa, markaasuu idiinka warramayaa wixii aad fali jirteen.
  61. Waana Isaga [Allaah] Qahraha [Qasbaha] ka korreeya addoomahiisa, Wuxuuna idiin soo diraa ilaalo [malaa’ig idin xafidaysa oo qoraysa dhammaan qofka camalladiisa wanaagsan ama xun] korkiinna ah, ilaa uu u yimaado midkiin mawtku, waxaa oofsada rusushayada [malakul mawtka iyo caawiyayaashiisha] iyagoo aan ku gabood falayn xilkooda.
  62. Markaas baa waxaa loo celiyaa Allaah, Mawlahooda [Rabbigood] Xaqa ah [si uu u abaal mariyo]. Isaga baa leh xukunka, waana ku Dhakhso Badan yahay Xisaabta.
  63. Dheh [Muxammadow], “Yaa idinka badbaadiya mugdiyada barriga iyo badda [hirarka, higillada madow, xiisadaha dabaysha ah iyo waxa lamida] marka aad u baridaan si khushuuc leh oo hoose [idinkoo leh], ‘Haddii uu [Allaah] naga badbaadiyo [halis] tan, waxaan kamid noqonaynaa kuwa shukriya.’”
  64. Dheh [Muxammadow], “Allaah baa idinka badbaadiya iyada iyo dhammaan kurbooyinka [kaleba], markaas baad u shariig yeeshaan.”
  65. Dheh, “[Allaah] Wuxuu Karaa inuu idiin kasoo diro cadaab korkiinna ama lugihiinna hoostooda ama idin galiyo tafaraaruq kooxeed, oo dhadhansiiyo qaarkiin balada iyo baaska qaarka kale.” Fiiri sida aan ugu faahfaahinno Aayadaha, bal inay fahmaan.
  66. Waxaa beeniyay [Qur’aanka] qoonkaagu [Muxammadow] isagoo Xaq ah. Dheh, “Anigu uma ahi arrimahiinna wakiil.”
  67. War walbaa wuxuu leeyahay sal, waana ogaan doontaan.
  68. Oo markii aad [Muxammadow] aragto kuwa afka la gala Aayadahayaga [Qur’aanka] iyagoo ku jeesjeesaya, ka dheerow, jeer ay u jeesadaan mowduuc kale. Haddiina uu Shaydaan ku hilmaansiiyo, xusuusashada kaddib hala fariisan qoomka ah daalimiinta.
  69. Oo kama saarna kuwa u hoggaansan Allaah, oo ka jooga xumaha xil [gaalada], laakiinse [xilka kuwaa Allaah ka cabsada] waa inay waaniyaan bal inay ka dhawrsadaan xumaha.
  70. Oo isaga tag kaligood kuwa ka dhigta diintooda cayaar iyo madaddaallo, oo ay hodday nolosha adduunkan, oo ku waaniya [Qur’aanka] si aan nafi loogu haaligin wixii ay kasabtay iyadoo aan lahayn Allaah sokadi wax sokeeye ah iyo shafeeco midna, oo haddii ay isku furato madax furasho kasta aan laga aqbalayn. Kuwaasu waa kuwa loo halaagay wixii ay kasbadeen awgeed, waxay leeyihiin sharaab biyo kulul oo karaya ah iyo cadaab xanuun badan wixii ay gaaloobi jireen darteed.
  71. Dheh [Muxammadow], “Ma waxaan barinnaa Allaah sokadi wax [ilaahyo kale aan xaq ahayn] aan noo hanan karin dhib iyo dheef midna, oo dib ugu noqonnaa cirbahayagii kaddib inta uu Allaah na hanuuniyay? Sida kan ay ku dhumiyeen shaydaammadu dhulka dhexdiisa isagoo xeeraan ah, isagoo leh saaxiibbo ugu yeeraya hanuunka [oo ku leh], ‘Noo kaalay.’” Dheh, “Hubaashii, Hanuunka Allaah baa ah oo kaliya hanuunka toosan, waxaana nala amray inaan u hoggaansanno Rabbiga uumanka.”
  72. Oo u ooga salaadda si fiican, oo ka cabsada Allaah, waana Isaga Kan xaggiisa la idiin soo kulmin doono.
  73. Waana Isaga Kan ku abuuray cirarka iyo dhulka xaq, Maalintana [waa Maalinta Qiyaamaha] Wuxuu oran doonaa, “Ahow!” waana ahaan doontaa. Qawlkiisu waa Xaq. Isaga baana leh xukunka Maalintaa marka la afuufi doono Suurka. Waa Ogsoonaha Ghaybka [waxa qarsoon aan muuqan] iyo waxa muuqdaba. Waana Isaga Xikmad Badanaha, Xog Ogaalka ah.
  74. Oo [xus] markii uu Ibraahiim ku yiri aabbihii Aazar, “Ma waxaad ka dhiganaysaa sanamyo ilaahyo? Waxaan anigu kugu arkaa adiga iyo qoomkaaguba inaad ku sugan tihiin baadi cad.”
  75. Sidaas baan u tusinnay Ibraahiim malakuutka cirarka iyo dhulka si uu uga mid noqdo kuwa Xaqa yaqiinsan.
  76. Markii uu habeenku madoobaaday wuxuu arkay xiddig, wuxuu yiri, “Waa kan rabbigay.” Markiise uu dhacay, wuxuu yiri, “Ma jecli waxa dhaca.”
  77. Markii uu arkay dayaxa oo soo baxaya, wuxuu yiri, “Waa kan rabbigay.” Markiise uu dhacay, wuxuu yiri, “Haddii uusan i hanuunin Rabbigay, waxaan kamid noqon doonaa qoomka dhunsan.”
  78. Markii uu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yiri, “Waa kan rabbigay, kan baa wayn.” Markiise ay dhacday, wuxuu yiri, “Qoomkayow! Anigu waxaan bari ka ahay waxa aad Allaah u shariig yeeshaan.”
  79. “Waxaan anigu u jeediyay wajigayga dhanka Kan [Allaah] ee abuuray cirarka iyo dhulka anigoo toosan, aniguna ma ahi mid kamid ah mushrikiinta.”
  80. Waxaana la dooday qoomkiisii, wuxuu [Ibraahiim] yiri, “Ma waxaad igala doodaysaan arrinka Allaah isagoo dhabtii i hanuuniyay, mana ka cabsanayo waxa aad la wadaajisaan Allaah cibaadada [ma jiraan wax ay i yeeli karaan] wixii Rabbigay [Allaah] doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobay wax walba cilmi. Ma waydaan waansamayn?”
  81. “Oo sidee uga cabsanayaa waxa aad Allaah la wadaajiseen cibaadada [iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna], halka aydaan idinku ka cabsanayn inaad la wadaajiseen Allaah cibaadada cid kale uusan idiin kusoo dajinin wax xujo ah. Ee kee baa labada qolo u xaq leh inay ku sugnaadaan nabad [cabsi la’aan], haddii aad ogtihiin?”
  82. Kuwa [Xaqa] rumeeyay oo aan ku labin iimaankooda dulmi [shirki], kuwaas waxaa u sugnaaday nabad galyo, iyaga baana hanuunsan.
  83. Taasina waxay ahayd xujadayadii aan ka siinnay Ibraahiim qoomkiisii. Waxaan kor u qaadnaa darajooyin ciddii aan doonno. Xaqiiqdii, Rabbigaa waa Xikmad Badane, Cilmi Badan.
  84. Waxaana Ibraahiim ku galladaysannay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waan hanuuninnay, oo Nuux waan hanuuninnay goor hore, waxaana kamid ah ubadkiisa Daawuud, Sulaymaan, Ayyuub, Yuusuf, Muusaa iyo Haaruun. Oo sidaas baan u abaal marinnaa sama falayaasha.
  85. Iyo Zakariya, iyo Yaxyaa iyo Ciisaa iyo Ilyaas, mid walbaana wuxuu kamid yahay saalixiinta wanaagsan.
  86. Iyo Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Yuunus iyo Luud, mid walbaa oo kamid ahi waa ka kor marinnay uumanka [dadka iyo jinka waqtigoodii ahaa].
  87. Iyo sidoo kale qaar kamid ah aabbayaashood iyo ubadkoodii iyo walaalahood, waan doorannay, oo waxaan ku hanuuninnay Jid Toosan.
  88. Kani waa hanuunka Allaah uu ku hanuuniyo ciddii uu doono oo kamid ah addoomahiisa. Haddiise ay Allaah la wadaajin lahaayeen cibaadada cid kale, waxaa hubaashii ka buri lahaa wixii ay camal san fali jireen.
  89. Kuwaasu waa kuwii aan siinnay Kitaabka, Xukunka iyo Nabinnimada. Haddiise ay ku gaaloobaan kuwaanu [mushrikiinta Carbeed], waxaan dhabtii u xil saarnay qoom [sida asxaabtii Nabi Muxammad] aan ku gaaloobayn.
  90. Kuwaasu [anbiyada ah] weeye kuwa uu Allaah hanuuniyay, ee raac hanuuunkooda. Dheh, “Idinkuma waydiisanayo kani [Qur’aanka] wax ujuuro ah, wax kalana ma ahee waa waanada uumanka [dadka iyo jinka].”
  91. Ma ay qaddarin [Yuhuuudda, Mushrikiintii Carbeed iyo wixi lamida] Allaah qaddarinta uu mudan yahay marka ay yiraahdeen, “Waxba Allaah kumasoo dajin qof Aadane ah [waxyi ahaan].” Dheh [Muxammadow], “Yaa soo dajiyay Kitaabkii uu la yimid Muusaa, oo u ahaa Nuur iyo Hanuun dadka, oo aad idinku [Yuhuudda ah] ka dhigteen waraaqo [kala gaar ah] aad muujisaan [qaar kamid ah] oo qarisaan wax badan?” Idinkuna [kuwa rumeeyay Allaah iyo Rasuulkiisa Muxammad], waxaa la idinku baray [Qur’aanka] wax aydaan aqoon jirin idinka iyo aabbayaashiin midna. Dheh, “Allaah [baa soo dajiyay].” Markaas isaga tag iyagoo baadilkooda ku madadaalan.
  92. Kanuna [Qur’aanku] waa Kitaab aan soo dajinnay oo barakaysan oo rumaynaya [kutubtii] lasoo dajiyay isaga horti si aad ugu digto hooyada magaalooyinka [waa Makkah] iyo waxa hareeraheeda ah. Kuwa rumaysan Aakhiro baana rumaynaya [Qur’aanka] iyagoo dhawraya salaaddooda.
  93. Oo yaa ka dulmi badan mid ku been abuurta Allaah ama yiraahda, “Waa la ii waxyooday,” isagoo aan loo waxyoon waxba, iyo kii yiraahda, “Waxaan soo dajin wax lamid ah waxa Allaah soo dajiyay.” Haddii aad arki lahayd marka ay daalimiintu [mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha] ku sugan yihiin sakaraadka mawtka, iyagoo malaa’igtu ay soo fidinayaan markaa gacmahooda [iyagoo leh], “Soo saara nafahiinna! Maanta waxaa la idinku abaal marin doonaa cadaabta dullaynta wixii aad Allaah ka sheegi jirteen darteed oo hadal xaq darro ah. Waxaadna ahaydeen kuwo Aayadahiisa iska wayneeya.”
  94. Oo waxaad dhabtii noogu timaaddeen keli keli [maal iyo rafiiq la’aan, ama wax kale oo dhan la’aantood] sidii aan idiin abuurnay awal horaba. Waxaadna uga timaaddeen wixii aan ku galladaysannay korkiinna gadaashiinna. Mana aragno la jirkiin shafeecayaashiinnii aad ku sheegi jirteen inay shurako Allaah la yihiin. Waxaana dhabtii go’ay dhammaan xiriirkii dhexdiinna ahaa, waxaadna waydeen wixii aad sheeganayseen.
  95. Xaqiiqdii Waa Allaah Kan sababa inay kala dhambalanto xabbadda miraha ah oo lafta timirta cad dhalo. Wuxuu kasoo saaraa wax nool wax dhintay oo mayt ah, kana kasoo saaraa wax dhintay wax nool. Kaas baa ah Allaah, ee xaggee la idiinka duwayaa Xaqa?
  96. Waa Kan oogga dillaaciya, kana yeelay habeenka nasiino, qorraxda iyo dayaxana in wax lagu xisaabsado, taasi waa qorshaynta Awood Badnaha, Cilmiga Badan.
  97. Oo waa Isaga Kan idiin yeelay xiddigaha, si aad ugu toostaan marriinkiinna idinkoo iyaga kaashanaya mugdiyada barriga iyo badda dhexdooda. Waxaan dhabtii uga faalloonnay Aayadaha qoomkii wax garanaya.
  98. Oo waa Isaga Kan idinka abuuray naf kaliya [Aadam], oo idin yeelay rug aad dagtaan [dhulka korkiisa ama uurarka hooyooyinkiin] iyo rug kaydin ah [dhulka gudahiisa qubuurihiinna gudahood ama dhabarrada aabbayaashiin], Waxaan dhabtii uga faalloonnay Aayadahaya qoomkii wax fahmaya.
  99. Oo waa Isaga Kan kasoo dajiya cirka biyo, biyahaasoo aan kusoo saarno dhir nooc kasta leh, kuwaasoo aan iyagana kasoo saarno laamo cagaar ah, kaasoo aan kasoo saarno miro karooran. Waxaana kasoo saarnaa geed timireedka iyo khaylkeeda cobollo timir ah oo hoos usoo lusha, dhawna oo aan fogayn iyo beero ah canab, zaytuun iyo rummaan, oo [nooc ahaan] isu eg, ha yeeshee kala duwan [midab iyo dhadhan ahaan]. Fiiriya mirihiisa marka uu miro dhalo iyo bisaylkiisa. Xaqiiqdii, waxyaalahan gudahood waxaa ugu sugan calaamooyin qoomkii rumaynaya.
  100. Oo waxay u yeelaan Allaah shariigyo jin ah ay la wadaajiyaan cibaadada, Isagoo [Allaah] uu abuuray [jinka] oo waxay u nasbeeyaan si been iyo baadil ah wiilal iyo gabdho cilmi la’aan. Waa ka Nazahan yahay oo ka sarreeyaa waxaa ay ku tilmaamayaan.
  101. Waa Askumaha cirarka iyo dhulka. Sidee buu u yeelan karaa ilmo isagoo aan lahayn afo? Wuxuu abuuray wax walba, Isaga baana wax walba Ogsoon.
  102. Kaas baa ah Allaah, Rabbigiin, ma jiro ilaah Xaq ah aan ahayn Isaga. Abuuraha wax walba, ee caabuda Isagoo [Keliya], Isaga baana wax walba ka wakiil ah [dhawra].
  103. Ma qaban karaan aragyadu, Isaga baase arka oo haleela aragyada oo dhan. Waana Daryeel Badanaha, Turidda Badan, ee Xog Ogaalka ah.
  104. Waxaa dhabtii idiin ka yimid xujooyin cadcad xagga Rabbigiin, ee kii arkaa [ku hanuuna], naftiisay dan u tahay, kii ka indho la’aadana isaga bay u daran tahay, aniguna [Muxammad] ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah.
  105. Sidaas baan ugu faahfaahinnaa Aayadaha si ay iyagu [gaaladu] u yiraahdaan, “Waxaad kasoo akhrisatay [Kutubtii ehlu-Kitaabka oo ka keentay Qur’aanka halkaa],” iyo inaan u caddayno arrinka qoomkii wax garanaya.
  106. Raac [Muxammadow] waxa lagaaga soo waxyooday xagga Rabbigaa, ma jiro macbuud xaq ah aan ahayn Allaah, oo isaga jeeso mushrikiinta.
  107. Oo haddii uu doono Allaah, uma ay shariig yeeleen cidna. Kaagamana aan yeelin korkooda ilaaliye, kamana tihid wakiil.
  108. Oo ha caayina waxa ay [gaaladu] caabudayaan Allaah sokadi [ilaahyada baadilka ah ay baryaan oo u yeertaan iyagoo ka dalbaya gargaar iyo gurmad], si ayan iyagu u caayin oo ugu gefin Allaah cilmi la’aan. Sidaas baan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda, waana xagga Rabbigood meel noqodkoodu, wuxuuna uga warrami doonaa wixii ay camal fali jireen.
  109. Oo waxay ku dhaartaan Allaah dhaartooda ugu adag, in haddii ay u timaaddo calaamo [mucjizo] ay hubaashii rumaynayaan. Dheh, “Calaamooyinka waxay jiraan Allaah agtiisa,” oo maxayse ka og yihiin haddii ay iyadu [calaamaddu] u timaaddo inayan rumaynayn?
  110. Oo waxaan ka duwi doonnaa quluubtooda iyo indhahooda [hanuunka xaqa ah] sida ayanba u rumayn [hanuunka] awal horaba waxaannuna ku daynaynaa xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan.
  111. Oo haddii aan usoo diri lahayn malaa’ig. oo la hadli lahaayeen maytida, oo aan kusoo kulmin lahayn wax walba indhahooda hortooda, ma ay rumeeyeen, in maahee Allaah doono, laakiinse badankoodu waa moog yihiin.
  112. Sidaas baan waxaan ugu yeelnay Nabi walbaa cadow shayaadiin dad iyo jinba leh, oo ugu waxyoonayo qaarkoodba qaar kale hadal la qurxiyay oo hodid ah. Oo haddii uu doono Rabbigaa ma ay faleen, ee isaga tag iyaga iyo waxa ay been abuuranayaanba.
  113. [Tanina waa si] ay maqalka ugu raariciyaan [hodidda iyo dhagartaa oo kale] laabaha kuwa ku gaaloobay Aakhirada iyo inay ka noqdaan raalli, iyo inay la yimaadaan waxa ay la imaanayaan [oo danbiyo ah].
  114. Dheh [Muxammadow], “Ma waxaan ka doonaa xukun iyo garsoor waxaan ahayn [Diinta] Allaah, isagoo ah Kan idiin soo dajiyay Kitaabka [Qur’aanka] ee faahfaahsan?” Kuwa aan siinnay Kitaabka [Towraadda iyo Injiilka] waxay ogsoon yihiin in [Qur’aanka] loogasoo dajiyay xagga Rabbigaa si xaq ah. Ee ha kamid noqon kuwa shakiya.
  115. Oo waxay ku taam noqotay Kalmadda Rabbigaa run iyo caddaalad. Ma jiro wax baddali karaa Kalmadihiisa. Waana Isaga Maqal Badanaha, Cilmiga Badan.
  116. Oo haddii aad adeecdo intooda badan waxa dhulka jooga, waxay kaa dhuminayaan Jidka Allaah. Mana raacaan waxaan ahayn malo, waana beenaalayaal.
  117. Xaqiiqdii, Rabbigaa baa og kan ka dhuma Jidkiisa, wuxuuna og yahay kuwa hanuunsan.
  118. Ee cuna waxa [hilibka] lagu xusay Magaca Allaah [markii la gawracayay ncefka], haddii aad tihiin kuwa Aayadihiisa rumaysan.
  119. Oo maxaad la cuni waydeen waxa [hilibka] lagu xusay Magaca Allaah [markii la gawracayay neefka]? Waxaana dhabtii la idiin caddeeyay waxa la idinka xaaraanshay, wixii dani idinku qabato ma’ahee. Oo hubaashii kuwo badan baa ku dhumiya [dadka] hawadooda cilmi la’aan. Xaqiiqdii, Rabbigaa waa og yahay kuwa xad gudba.
  120. Ee ka taga [dadow] danbiga muuqda iyo kan qarsoonba. Xaqiiqdii, kuwa kasbada danbiga waxaa laga abaal marin doonaa waxay danbi galayeen.
  121. Oo ha cunina [mu’miniintoy] waxa [hilibka] aan lagu xusin Magaca Allaah [markii gawraca neefka], waa fisqi [macsi]. Oo waxay shaydaammadu u waxyoodaan saaxiibbadood [dadka kamid ah] inay idin la doodaan, haddiina aad adeecdaan [idinkoo ka dhigaya neef baqti ah xalaal cuniddiisa], markaa waxaad idinkuna tihiin mushrikiin.
  122. Ma mid ahaa mayt [iimaan la’aan jahli iyo gaalnimo darteed] oo aan noolaynay [siinnay iimaan iyo aqoon], oo aan u yeelnay Nuur [caqiido wanaagsan] oo uu ku dhex socdo dadka dhcxdiisa, baa lamid ah mid ku sugan mugdiyo [shirki, gaalnimo, munaafiqnimo, iyo waxa lamida] uusan kasoo baxayn? Sidaas baa loogu qurxiyay gaalada waxay falayeen.
  123. Sidaas baan ugu yeelnay magaalo walba danbiilayaal waawayn inay qoolaan [dadka magaalada] dhexdeeda. Mase qoolayaan waxaan ahayn naftooda, mase dareensana.
  124. Oo marka ay u timaaddo aayad waxay yiraahdaan, “Ma rumayn doonno jeer nala siiyo wixii la siiyay Rususha Allaah oo kale.” Allaah baa ogsoon meesha uu yeelayo Risaaladiisa [dhambaalkiisa]. Waxaana ku dhici doona danbiilayaasha dulli xag Alle ah iyo cadaab xanuun badan wixii ay qoolid fali jireen awgeed.
  125. Kii uu Allaah rabo inuu hanuuniyo, wuxuu u furaa laabtiisa Islaamka, kii uu rabana inuu dhumiyo wuxuu ka yeelaa laabtiisa ciriiri dhibboon sidii isagoo koraya cirka. Sidaas buuna Allaah u saaraa xumaanta korka kuwa aan [Xaqa] rumaynin.
  126. Kanina waa Jidkii Rabbigaa [Islaamka] oo toosan. Waxaan u faahfaahinnay aayadaha qoomkii waansamaya.
  127. Waxay leeyihiin Daarta Nabadda [Jannada] oo Rabbigood agtiis ah. Waana Isaga Gargaarahooda wixii ay camal san falayeen.
  128. Oo Maalinta uu soo kulmin doono [dhammaantood] iyagoo wada jira [oo oran doono], “Kulanka jinkow! In badan baad ka lumiseen dadka.” Waxay awliyadoodiina [saaxiibbadoodii] kamid ahaa dadka oran doonaan, “Rabbiyow! Waxay dhabtii ku shaqaysteen qaarkayaba qaarka kale, waxaana soo gaarnay muddada aad noo muddaysay.” Wuxuu [Allaah] oran doonaa, “Naarta baa hoyaadkiinna ah idinkoo ku waaraya dhexdeeda weligiin, wuxuu Allaah doono maahee.” Hubaashii, Rabbigaa waa Xikmad Badane, Cilmi badan.
  129. Sidaas baan uga wali yeelnaa daalimiinta qaarkoodba qaarka kale, wixii ay kasban jireen awgeed.
  130. Kulanka jinka iyo dadkow! Ma waysan idiin imaan Rusul idin kamid ah, oo idiinka qisoonaya Aayadahayga idiinkana digaya la kulanka maalintaannaan? Waxay oran doonaan, “Waxaan ku marag furnay naftannada.” Waxaana hoday nolosha adduunka. Waxayna ku marag fureen naftooda inay ahaayeen gaalo.
  131. Arrintaasina waa inaan Rabbigaa ku halaagayn magaalooyinka dulmigooda darti iyagoo dadkooda war la’ yihiin [aan loo dagin sidaa darteed ayaa Rususha lasoo diray].
  132. Qolo walbaa waxay leeyihiin darajooyin [ama heerar] oo waxay camal fashay ah. Oo Rabbigaa ma mooga waxay camal faleen.
  133. Rabbigaana waa Qani [ka deeqtoon wax waliba] Naxariis badan, haddii uu doono waa idin baabbi’inayaa, oo idinku baddalayaa gadaashiin ciddii uu doono. Sidii uu awalba idiin ka abuuray firka qoom kale.
  134. Hubaashii, waxa la idiin yaboohaya waa imaanayaan, kamana fakan kartaan [Ciqaabka Allaah].
  135. Dheh [Muxammadow], “Qoomkayow! Ku camal fala sidiinnaas, aniguna waan camal falanayaa, waadse ogaan doontaan keennii leh ciribta [wanaagsan] Aakhirada. Xaqiiqdii daalimiintu ma liibaanaan.”
  136. Oo waxay uga yeeleen Allaah wuxuu abuuray oo beero iyo xoolo ah qayb, waxayna yiraahdeen, “Kan waxaa iska leh Allaah,” waa sida ay yiraahdaan, “kanna waxaa iska leh kuwa [Allaheen la ah] shariigyada [sanammada].” Waxa ay sanamyada leeyihiin ma gaaraan Allaah, waxa uu leeyahayna Allaah wuxuu gaaraa sanamyadadooda! Xumaa waxa ay xukumaan.
  137. Sidaas bayna ugu qurxiyeen in badan oo mushrikiinta ah dilka carruurtooda shurakadooda [shayaadiinta], si ay ugu horseedaan halaaggooda oo uga khaldaan diintooda. Haddiina uu doono Allaah ma ay faleen, ee isaga tag keligood iyo waxa ay been abuuranayaanba.
  138. Oo waxay yiraahdeen, “Tani waa xoolo nicmooley ah iyo beer reebban, aysan wax ka cunayn ciddii aan doonno maahee,” [oo waxay yiraahdaan] waxaa jira xoolo xaaraan ah in loo isticmaalo rar dhabarradooda ama hawl kaleba, iyo xoolo [marka la gawracayo] aan lagu xusin Magaca Allaah iyagoo ku been abuuranaya [Allaah]. Waa uu ka jaazayn doonaa waxa ay been abuuranayeen.
  139. Waxayna yiraahdeen, “Waxa ku jira uurarka xoolahan [caano ama ilmo] waxaa leh labkayaga kaliya, waana ka xaaraan haweenkannaga,” haddiise uu dhashaa isagoo mayt ah, markaa way wadaagaan dhammaantood. Wuxuu ka abaal marin doonaa u nisbayntooda [arrimahaa beenta iyo baadilka ah Allaah]. Xaqiiqdii, Allaah waa Xikmad Badane, Cilmi Badan.
  140. Waxaa dhabtii khasaaray kuwii u dilay carruurtooda caqli xumo iyo cilmi la’aan, oo xaaraameeyay wixii Allaah ku irzaaqay, iyagoo ku been abuuranaya Allaah, dhabtii waa ka dhumeen Xaqa mana hanuunsana.
  141. Oo waa Isaga [Allaah] Kan soo saara beero dhisan iyo kuwo aan dhisnayn, iyo geedaha timirta, iyo sarac leh muuqaal iyo dhadhan kala duwan [miraheeda iyo iniinaheedaba], iyo zaytuun, iyo rummaan, isu eg [nooc ahaan] kuna kala duwan [dhadhan ahaan], wax ka cuna mirahiisa marka ay soo saaraan miro, oo bixiya xaqa lagu leeyahay [Zakadeeda si waafaqsan amarka Alle] maalinta goyntiisa. Oo ha xad gudbina, xaqiiqdii [Allaah] ma jecla kuwa xad gudba.
  142. Waxaana kamid ah xoolaha nicmoolayda [qaar] la rarto iyo kuwo yaryar [aan la raran]. Wax ka cuna waxa Allaah idinku irzaaqay, oo ha raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaashii wuxuu idiin yahay cadow iska cad.
  143. Waa siddeed nooc: labo ido ah [lab iyo dheddig] iyo labo riyo ah [lab iyo dheddig]. Dheh, “Ma labada labka ah buu xaaraameeyay mise labada dheddig, mise [ilmaha] ku jira uurarka labada dheddig? Ii sheega si cilmi ah haddii aad run sheegaysaan.”
  144. Geelana labo [lab iyo dheddig], lo’dana labo [lab iyo dheddig]. Dheh, “Ma wuxuu xaaraameeyay labada labka ah mise labada dheddig, mise [ilmaha] ku jira uurarka labada dheddig? Mise waxaad ka marag kacaysaan inuu Allaah idin amray waxaa oo kale?” Yaase ka dulmi badan mid ku been abuurtay Allaah si uu dadka u dhumiyo cilmi la’aan. Xaqiiqdii Allaah ma hanuuniyo qoomka ah daalimiinta.
  145. Dheh [Muxammadow], “Kuma hayo waxa la ii waxyooday wax ka xaaraan ah ciddii doonaysa inay cunto, inuu yahay maahee maytada [neef baqti ah] ama dhiig butaaci [gawrac darti iyo wax lamid ah], ama hilib doofaar waayo waa nijaaso, ama hilib xaaraan ah [hilib neef] loo gowracay xuska cid kale aan ahayn Allaah [ama loo gawracay sanammo, ama aan lagu xusin Magaca Allaah markii la gawracayay], kiise ay dani ku qabato isagoo aanay caasiyid ka ahayn, aanna xad gudbayn, hubaashii Rabbigaa waa Dambidhaafid Badane, Naxariis Badan.
  146. Kuwa Yuhuudda ah waxaan ka xarrimnay [neef] kasta oo leh qanjaaful aan qaybsanayn, xagga lo’da iyo arigana waxaan ka xarrimnay baruurtooda wixii maahee ku dhaga dhabarradooda ama xiidmahooda ama ku dheehan laf. Sidaas baan ku jaazaynay dulmigoodii dartiis, Waxaannuna sheegaynaa run.
  147. Haddii ay ku beeniyaan [Muxammadow] dheh, “Rabbigiin waa Naxariis ballaaran yahay, lagamana celiyo baaskiisa qoomka ah mujrimiinta.”
  148. Waxay oran doonaan kuwii Allaah u shariig yeelay, “Haddii uu Allaah doono, ma aannu u shariig yeelnayn [xagga cibaadada cid kale] innaga iyo aabbayaasheenba, mana aan xarrimneen waxba [uu Allaah banneeyay].” Sidaas bayna u beeniyeen kuwii ka horreeyay ilaa ay ka dhadhamiyeen Baaskayaga. Dheh, “Ma haysaan wax cilmi ah [caddayn] oo aad noo soo saaraysaan? Ma raacaysaan waxaan ahayn malo, waxaadna uun tihiin beenaalayaal.”
  149. Dheh, “Allaah baa iska leh Xujada Xeesha Dheer [waa Towxiikda, usoo diridda Rusushiisa iyo Kutubtiisa daahirka ah dadka]. Haddii uu doono waa idin hanuunin lahaa idinkoo dhan.”
  150. Dheh, “Keena markhaatiyadiinna ka marag kacaya in Allaah xarrimay waxakani,” ee haddii ay ka marag kacaan, hala marag kicin adigu [Muxammadow], oo ha raacin hawooyinka kuwaa beeniya Aayadahayaga, kuwaasoo aan rumaysnayn Aakhirada, oo iyagu Rabbigood wax la sima.
  151. Dheh [Muxammadow], “Kaalaya, waxaan idiin akhriyayaa waxa uu idin ka xarrimay Rabbigiin: Waa inaydaan wax la wadaajin Allaah xagga cibaadada cid kale, oo labada waalid wanaajisaan oo baarri u ahaataan, oo ha u dilina carruurtiinna ka cabsi faqri darti, Annagaa idin siinna irzaaqad idinka iyo iyagaba’e, oo ha u dhawaannina xumaanaha [zino iyo wax lamida] haddii ay tahay mid loo galo si cad ah ama qarsoodi ah, oo haku dilina nafta uu Allaah reebay dilkeeda in loo dilayo arrin xaq ah maahee, sidaas buu [Allaah] idin amrayaa, bal inaad garowsataan.”
  152. “Oo ha u dhawaannina maalka agoonta sida u fiican maahee, jeer uu gaaro da’da tabar galka iyo xoogga, oo u oofiya si dhan beegidda iyo miizaanka oo caddaalad ah, ma saarno nafna waxaan ahayn karaankeeda, marka aad hadlaysaanna [oo u kala garsooraysaan dadka ama furaysaan markhaati iyo waxa lamida] sheega runta oo caddaalad fala qaraabo dhawba ha ahaadee, oo oofiya cahdiga Allaah, sidaas buu Allaah idin amray, bal inaad waantowdaan.”
  153. Oo kani waa Jidkayga Toosan ee raaca, oo ha raacina jidadka [kale] oo idinka duwaya Jidkiisa. Sidaas buu Allaah idinku faral yeelay si aad uga dhawrsataan [xumaha].
  154. Waxaana siinnay Muusaa kitaabka [Towraadda] si aan ugu il tirno [Galladayada] korkooda kuwa fala samaha, oo uga faalloonaya wax waliba si faahfaahsan hanuun iyo naxariisna ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan.
  155. Oo kani [Qur’aanku] waa Kitaab aan soo dajinnay oo barakaysan ee raaca oo ka dhawrsada [xumaha], si la idiin ku naxariisto [la idiin ka badbaadiyo Naarta].
  156. Si aydaan idinka [mushrikiinta Carabta ahi] u oran, “Waxaa uun Kitaab lagusoo dajiyay labo qolo oo naga horreeyay [Yuhuudda iyo Nasaarada], innaguna waxaan ahayn runtii kuwo waxa ay akhristeen [barteen] moog.”
  157. Ama aydaan u oran idinka [mushrikiinta Carabta ah], “Haddii nalagusoo dajin lahaa Kitaab waxaan ahaan lahayn kuwo ka hanuunsan iyaga [Yuhuudda iyo Nasaaarada].” Haatan waxaa idiin ka yimid Xujo Cad [Qur’aanka] xagga Rabbigiin, iyo hanuun iyo naxariis, ee yaa ka dulmi badan mid beeniya Aayadaha Allaah oo ka jeesada xaggooda? Waxaan ku jaazayn doonnaa kuwa ka jeesada Aayadahayaga cadaab xun, ka jeesigooda [Aayadahaa] darteed.
  158. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu, ama u yimaado Rabbigaa, ama u yimaadaan qaar kamid ah Aayadaha Rabbigaa. Maalinta ay yimaadaan qaar Calaamooyinka Rabbigaa ah, wax uma tarto naf iimaankeeda iyadoo aan horay u rumayn, ama aan ku kasban iimaankeeda khayr. Dheh, “Suga idinku, innagana [sidoo kale] waan sugaynaa.”
  159. Xaqiiqdii, kuwa ku kala tagay diintooda oo noqday kooxaha iyo dariiqooyinka [dhammaan noocyada dariiqooyinka diinta ahi aan sunnadda Nabiga waafaqsanayn], waxba lama wadaagtid. Arrinkoodu wuxuu uun la jiraa Allaah, wuxuuna uga warrami doona waxay falayeen.
  160. Qofkii la yimaada wanaag, wuxuu leeyahay toban laabkeed wax lamid ah oo loogu qori doono xisaabtiisa, qofkiise la yimaada xumaan, waxaa lagu abaal mariyaa mid lamid ah, lamana dulmiyo.
  161. Dheh [Muxammadow], “Wuxuu igu hanuuniyay Rabbigay Jid Toosan, diin sugan oo diintii Ibraahiim ah, toosan oo kama mid ahayn mushrikiinta.”
  162. Dheh [Muxammadow], “Xaqiiqdii, salaaddayda, gawracayga, hannaanka noolaanshahayga iyo geeridaydaba Allaah baa iska leh Rabbiga uumanka.”
  163. “Ma leh wax shariik ah. Sidaas baana la i amray, waxaana anigu ahay kan ugu horreeya Muslimiinta.”
  164. Dheh, “Ma waxaan doontaa Rabbi aan ahayn Allaah, Isagoo ah Rabbiga wax walba? Qof walbana wixii uu kasbado [oo danbi ah] waa korkiisa, nafna ma qaaddo danbiga naf kale, waana xagga Rabbigiin meel noqodkiinnu, markaasuu idiin ka warrami doonaa waxaad isku khilaafsanaydeen.”
  165. Waana Isaga [Allaah] Kan idin ka yeelay kuwo dhulka u hara, wuxuuna qaarkiin ka sare mariyay qaar darajooyin, si uu idiin ku imtixaamo waxa uu idin siiyay. Hubaashii Rabbigaa waa ku dhaqso badan yahay ciqaabta, waana Dambidhaaf Badane, Naxariis Badan.

Suuradda 7aad: Al-Acraaf [Koodadka | Darbiga Taagagga Leh]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Alif Laam Miim Saad. [Xarfahani waxay ku tusinayaan Mucjizada Qur’aanka, oo Allaah Keliya baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. [Kani waa] kitaab [Qur’aanka] lagugu soo dajiyay [Muxammadow], ee yaysan laabtaadu dhib ka qabin in aad ugu digto, oo waa u waano mu’miniinta.
  3. Raaca waxa la idiin kasoo dajiyay xagga Rabbigiin [Qur’aanka iyo Sunnada Nabi Muxammad] oo ha raacina sokadi awliyaa [ilaaliyayaal iyo gargaarayaal idin amra inaad u shariig yeeshaan Allaah cibaadada cid kale ama la timaaddaan bidcooyin xagga diinta ah]. Yaraa inta aad waantoobaysaan!
  4. Oo badanaa inta aan magaalo halaagnay [danbiyadoodii darteed] oo u timid Cadaabtayadii [si kedo ah] habeen iyagoo hurda ama nasanaya harsiimo.
  5. Marka ma ahayn dhawaaqoodu markii uu u yimid Cadaabkayagu wax aan ahayn inay yiraahdaan, “Xaqiiqdii, waxaannu ahayn daalimiin [danbiilayaal].”
  6. Waxaana hubaashii su’aali doonnaa kuwaa [dadkii Kitaabka] loo diray, oo waan su’aali doonnaa Rususha.
  7. Waxaana hubaashii uga warrami doonnaa [qisadoodii oo dhan] oo aan cilmi ku koobnay, mana aannaan ka maqanayn.
  8. Miisaamidduna maalintaas [Maalinta Qiyaame] waa Xaq. Xagga kuwa uu cuslaado miizaankooda [camallada wanaagsan ah], waa kuwaas kuwa liibaanay.
  9. Xaggase ciddii uu fududaado miizaankiisu, kuwaasu waa kuwa khasaariyay naftooda waxay Aayadahayaga ku dulmi falayeen darteed.
  10. Oo waxaan dhabtii idin ku siinnay awood dhulka oo idiin yeelnay dhexdeeda rizqiyo [maciishadiinna ah]. Waa yar tahay inta aad shukridaan.
  11. Oo dhabtii waa idin abuurnay [Aadam] misna idin suuraynay [suuradda wanaagsan ee dadka], markaas baan waxaannu ku niri malaa’igta, “Usujuuda Aadam,” waana ay sujuudeen Ibliis maahee, waa uu diiday inuu kamid ahaado kuwa sujuuda.
  12. Wuxuu [Allaah] yiri, “Maxaa kuu diiday [Ibliisow] inaad sujuuddo marka aan ku amray?” Wuxuu [Ibliis] yiri, “Aniga baa ka wanaagsan [Aadam], Waxaad iga abuurtay dab, isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.”
  13. Wuxuu [Allaah] yiri, “[Ibliisow] ka deg xaggeeda [Jannadan], ma lihid inaad isku waynayso halkan, ee bax, adigu waxaad tahay mid kamid ah kuwa dullaysane.”
  14. Wuxuu [Ibliis] yiri, “Isii kansho ilaa maalinta lasoo bixinayo [Maalinta Qiyaamaha].”
  15. Wuxuu [Allaah] yiri, “Waxaad kamid tahay kuwa la siiyay kanshaha.”
  16. Wuxuu [Ibliis] yiri, “Sida aad ii dhumisay darteed, waxaan hubaashii u fariisan doonaa iyaga [dadka] Jidkaaga Toosan.”
  17. “Waxaana uga imaan doonaa hortooda iyo gadaashooda, midigyadooda iyo bidixyadoodaba, mana heli doontid badankood oo shukriya.”
  18. Wuxuu [Allaah] ku yiri [Ibliis], “Ka bax adigoo dufaysan oo dayro ah, ciddii ku raacdana oo iyaga [dadka] kamid ah, waxaan hubaashii idin ka buuxin doonaa Naarta Jahannama dhammaantiin.”
  19. “Oo Aadamow! Daga adiga iyo xaaskaagu Jannada, oo wax ka cuna meeshii aad doontaan, hase u dhawaannina geedkan, haddii kale waxaad kamid noqonaysaan daalimiinta [gaflowyada].”
  20. Markaasuu waswaasiyay Shaydaan, si uu u qaawiyo wixii laga qariyay oo cawradooda ah [markii hore], wuxuuna yiri, “Idiinkama reebin Rabbigiin geedkan waxaan ahayn inaad noqotaan malaa’ig ama inaad kamid noqotaan waarayaasha.”
  21. Wuxuuna ugu dhaartay Allaah [isagoo leh], “Waxaan anigu idiin ahay daacad.”
  22. Markaasuu soo hoggaamiyay si hodid leh, markii ay dhadhamiyeen geedkii, baa waxaa u muuqday cawradoodii, waxayna billaabeen inay isku nabnabaan caleemihii Jannada [si ay u asturaan ceebtooda iyo cawradooda]. Waxaana u yeeray Rabbigood [isagoo ku leh], “Sow idinkama reebin geedkaa oo idinkuma oran, ‘Xaqiiqdii Shaydaan waa idiin cadaw iska cad?’”
  23. Waxay yiraahdeen, “Rabbiyow! Waxaan dulminnay naftannada, ee haddii aadan noo danbi dhaafin, oo aadan noo naxariisan waxaan hubaashii kamid ahaanaynaa kuwa khasaaray.”
  24. Wuxuu [Allaah] yiri, “Ka daga, qaarkiinba qaar buu cadaw u yahaye [waa Aadam, Xawwaa iyo Shaydaan]. Waxaana idiin ku sugan dhulka dagaan iyo sahay ilaa muddo.”
  25. Wuxuu [Allaah] yiri, “Dhexdeeda baad ku noolaanaysaan, dhexdeeda baadna ku dhimanaysaan, xaggeeda baana la idin kasoo bixin doonaa [waa Qiyaamaha].”
  26. Ilma Aadamow! Waxaan dhabtii idiin soo dajinnay dhar astura cawradiinna iyo dhar xarrago ah, dharkase taqwada [dhawrsanaanta, suubbanaanta, Allaah ka cabsiga ah], kaas baa wanaagsan. Kuwani waxay kamid yihiin Aayadaha Allaah, bal inay dadku waansamaan.
  27. Ilma Aadamow! Yuusan idin fidmayn Shaydaan, sida uu ugasoo saaray labadiinnii waalid [Aadam iyo Xawwaa] Jannada, isagoo ka siibaya dharkooda, si uu u tusiyo cawradooda. Xaqiiqdii, waxay idin ka arkaan isaga iyo qabiiladiisu meel aydaan ka arki karin. Waxaan Annagu uga yeelnay shaydaammada awliyaa [sokeeye, xigaalo, gacal] kuwa aan [Xaqa] rumaynin.
  28. Oo marka ay falaan Xumaan [ku dawaafidda Kacbada qaawanaan, zino iyo waxa lamida] waxay yiraahdaan, “Waxaan hellay aabbayaashayo oo falaya, oo Allaah baa na amray.” Dheh, “Hubaashii, Allaah ma amro xumaan. Ma waxaad ka sheegaysaan Allaah waxaydaan ogayn?”
  29. Dheh [Muxammadow], “Wuxuu Rabbigay amraa caddaalad iyo inaad u jeedisaan wajiyadiinna [qiblada, waa Kacbada ku taal Makkah waqtiga salaad kasta] meel kasta oo aad joogtaan, oo barya Allaah Kaliya] idinkoo u keli yeelaya diinta [cibaadada]. Sida uu idinku keenay [ifka] billow ahaantii, sidaa oo kale baa la idiin kusoo celin doonaa Aakhirada [Maalinta Qiyamaha idinkoo labo kooxood ah].”
  30. Koox uu hanuuniyay, iyo koox ay ku rumawday korkooda baadida, [maxaa yeelay] waxay ka yeesheen shaydaammada awliyaa [sokeeye, gacal] Allaah ka sokow, waxayna moodayaan inay hanuunsan yihiin.
  31. Ilma Aadamow! Qaata quruxdiinna [dharkiinna daahirka ah] marka aad tukanaysaan iyo marka aad ku dawaafaysaanba Kacbada, oo cuna oo cabba hana xad gudbina, hubaashii [Allaah] ma jecla kuwa xadgudba.
  32. Dheh [Muxammadow], “Yaa xarrimay isku qurxinta dharka Allaah na siiyay, uu usoo saaray addoomahiisa, iyo Tayyibaat [waxyaalaha wanaagsan ee xalaasha ah] ee cuntada?” Dheh, “Waxaa iska leh kuwa [Xaqa] rumeeyay nolosha adduunkan, [oo] gaar u tahay iyaga [mu’miniinta] Maalinta Qiyaamaha [gaaladu wax kalama wadaagi doonaan].” Sidaas baan ugu faahfaahinnaa Aayadaha qoomkii wax garanaya.
  33. Dheh [Muxammadow], “Wuxuu Rabbigay xarrimay xumaha [danbiyada waawayn ee halista ah: zinada iyo wixi lamida] haddii loo falo si caad ah ama si qarsoonba, iyo danbiyada [noocay ahaadaanba] dulmiga iyo gar darrada, ugu yeelidda Allaah shariigyo [xagga cibaadada] wax uusan usoo dajin xujo cad, iyo ka sheegidda Allaah waxaydaan u lahayn cilmi.
  34. Ummad walba waxay leedahay ajal go’an, marka ay timaaddo ajashoodu, kama dib dhacaan saacadna, kamana soo hor maraan.
  35. Ilma Aadamow! Haddii ay idiin yimaadaan rusul idin kamid ah, oo idiin akhriyaya Aayadahayga, markaa kii ka dhawrsadaa xumaha oo wax hagaajiya, korkooda ma ahaan doonto wax cabsi ah, mana murugoon doonaan.
  36. Kuwase beeniya Aayadahayaga oo iska kibriya, waa kuwaasi ehlu Naarka iyagoo dhexdeeda ku waaraya.
  37. Oo yaa ka dulmi badan mid ku been abuurta Allaah ama beeniya Aayadahiisa? Kuwaas waxay helayaan qaybtooda [waxyaalaha wanaagsan ee nolosha adduunka iyo mudda ku nagaashahooda dhexdeeda] ee loogu qoray Kitaabka [Qaddarka] ilaa marka ay u yimaadaan rusushayadu [malakul mawtka iyo caawiyayaashiisa] si ay u qaadaan nafahooda, waxay [malaa’igtu] oran doonaan, “Meeye waxaad baryi jirteen Allaah sokadi?” Waxay ku jawaabi doonaan, “Waa ay naga dhumeen,” waxayna ku marag furayaan naftooda inay yihiin gaalo.
  38. Wuxuu [Allaah] oran doonaa, “La gala la jirka ummado tagay hortiin oo leh insi iyo jinba Naarta.” Mar kasta oo ay ummad hor leh gashaba, waxay lacnaddaa walaasheed [tagtay horteed], jeer laysugu wada keeno dhammaantood wadajir Naarta gudaheeda. Toodii u dambaysay oo iyaga kamid ah waxay ku oran doontaa toodii u horraysay, “Rabbiyow! Kuwaanaa na dhumiyay, ee kasii cadaab labalaab ah Naarta.” Wuxuu [Allaah] oran doonaa, “Mid walbaa waxay leedahay [cadaab] labalaab ah, laakiinse ma ogidin.”
  39. Toodii horana waxay ku oran doontaa toodii dambe, “Ma aydaan ahaan jirin kuwa ina dhaama innaga oo wax na dheer, ee dhadhansha cadaabta waxaad kasbanayseen darteed.”
  40. Xaqiiqdii, kuwa beeniyay Aayadahayaga oo iska wayneeya, looma furi doono albaabbada samada, mana gali doonaan Jannada jeer ratigu maro daloolka irbadda [oo ma dhacdo ah]. Sidaas baan u jaazaynaa mujrimiinta [danbiilayaasha].
  41. Waxay ku leeyihiin Naarta Jahannama gogol dab ah, korkoodana daboollo dab ah. Sidaas baan u jaazaynaa daalimiinta.
  42. Kuwase [Xaqa] rumeeyay, oo falay camallo wanaagsan ma saarno nafna wax dhaafsiisan karaankeeda, kuwaasu waa ehlu Jannaha, wayna ku waari doonaan dhexdeeda.
  43. Waxaana ka siibnaa waxa ku jira laabahooda oo xasad ah [ama dareen cuqdo ah ay kala qabeen, haddii ay wax jireenba, nolosha adduunkan] waxaa qulqulaya hoostooda wabiyo, waxayna oran doonaan, “Ammaan iyo mahad idilkeed waxaa leh Allaah, ee nagu hanuuniyay kan, kumana aan hanuuneen haddii uusan Allaah nagu hanuunsheen. Waxay dhabtii la yimaadeen Rusushii Rabbigeen Xaq.” Waxaana loogu dhawaaqi doonaa, “Tani waa Jannadii la idin ku dhaxal siiyay waxaad camal san fali jirteen.”
  44. Waxayna u dhawaaqi doonaan ehlu Jannuhu ehlu Naarka [iyagoo leh], “Waxaan dhabtii hellay wixii uu noo yaboohay Rabbigayo oo xaq ah, ee ma hesheen idinkuna sidoo kale wixii uu idiin yaboohay Rabbigiin [digniinihii] oo xaq ah?” Waxay oran doonaan, “Haah.” Markaas dhawaaqe baa ka dhawaaqi doona dhexdooda, “Lacnadda Allaah haku dhacdo daalimiinta [mushrikiinta, gaalada, munaafiqiinta, danbiilayaasha].”
  45. Kuwa ka hor istaaga [dadka] Jidka Allaah, oo la doona qallooca iyagoo Aakhirada ku gaalooba.
  46. Dhexdoodna waxaa ahaan doona xijaab [xannib], Acraafkana [meel sare oo taag ah] waxaa ahaan doona rag [ay camalladooda san iyo kuwa xun sinnaan doonaan xagga miisaanka] oo ku aqoonsanaya dhammaan [ehlu Jannaha iyo ehlu Naarka] astaamahooda [ehlu Jannaha waxay ku aqoonsan doonaan wajiyadooda cadcad ehlu Naarkuna wajiyadooda madow]. Waxay ugu dhawaaqi doonaan ehlu-Jannaha, “Nabad korkiinna ha ahaato,” waqtigaana iyagu [dadka Acraaf] ma ahaan doonaan wali kuwa galay [Jannada], inkastoo ay rajaynayaan.
  47. Oo markii loo jeediyo indhahooda xagga ehlu Naarka, waxay oran doonaan, “Rabbiyow! Ha naga mid yeelin qoomka ah daalimiinta.”
  48. Waxayna u dhawaaqi doonaan qoladii ku sugnaa Acraaf [taagga sare] rag ay ku garanayaan astaamahooda iyagoo leh, “Maxay idiin tareen urursigiinnii maalka, iyo iska waynayntiinnii Xaqa?”
  49. “Ma kuwaan baa kuwii aad ku dhaarateen inuusan Allaah ku galladaysanayn Naxariis?” [Markaas waxaa lagu oranayaa,] “Gala Jannada cabsi ma ahaan doonto korkiinna, mana murugoon doontaan.”
  50. Ehlu-Naarkuna waxay u dhawaaqi doonaan ehlu Jannaha [iyagoo leh], “Noogu soo deeqa xoogaa biyo ah ama waxa uu Allaah idin ku irzaaqay.” Waxay oran doonaan, “Xaqiiqdii, Allaah waa ka xarrimay intaba gaalada.”
  51. Kuwii ka yeeshay diintooda madaddaalo iyo cayaar oo ay hodday nolosha adduunku. “Marka maanta waan hilmaami doonnaa sida ay u hilmaameen la kulankooda Maalintan iyo sida ay Aayadahayaga u diidi jireen.”
  52. Oo waxaan dhabtii ula nimid Kitaab [Qur’aankan] aannu caddaynay Annagoo ku cilmi leh, oo u ah hanuun iyo naxariis qoomkii rumaynaya.
  53. Ma way sugayaan waxaan ahayn oofinta iyo fasirka wuxuu sheegayo Qur’aankan? Maalinta la oofiyo wuxuu sheegayo Qur’aanku [waa Maalinta Qiyaamaha], waxay oran doonaan kuwii hilmaamay awal hore, “Waxay dhabtii la yimaadeen Rusushii Rabbigayo xaq, haatan miyay jiraan wax shafeecayaal ah oo aan leennahay si ay noogu shafeecaan? Ama ma noola celin doonaa dib [noloshii hore ee adduunka] si aan u falanno camallo [wanaagsan] aan ahayn camalladii [xumaa] aan fali jirnay?” Waxay dhabtii khasaariyeen nafahooda, waana ka dhumeen oo waayeen wixii ay been abuuran jireen.
  54. Hubaashii, Rabbigiin waa Allaah, Kan ku abuuray cirarka iyo dhulka lix maalmood, oo Istawaa [ka kor ahaaday] Carshiga [si dhab ah oo ku habboon Waynidiisa iyo Haybaddiisa]. Wuxuu ku daboolaa habeenka maalinta, uu daba xiimayo, [wuxuu Allaah abuuray] qorraxda, dayaxa, xiddigaha u laylan Amarkiisa. Hubaashii Isagaa leh uunka iyo amarkaba. Waxaa khayr iyo barako badnaaday Allaah, Rabbiga uumanka.
  55. U barya Rabbigiin si khushuuc leh oo cod hoose ah. Xaqiiqdii, ma uu jecla kuwa xadgudba.
  56. Oo ha fasaadinina arlada, kaddib markii la wanaajiyay, oo barya [Allaah], si leh rajo iyo baqdinba, hubaashii Naxariista Allaah waxay u dhawdahay sama falayaasha.
  57. Allaah waa Kan soo dira dabaylaha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa [roobkiisa], oo marka ay qaaddo daruur culus, waxaan u kaxaynnaa xagga dhul dhintay, markaas baan sababnaa roob inuu ku da’o korkeeda, waxaana kusoo saarnaa nooc walba oo miro ah roobkaa. Sidaas oo kale baan usoo saari doonnaa maytida, bal inaad waantowdaan.
  58. Dhulka wanaagsani wuxuu kusoo baxaa naqiisa [si fudud] Idanka Rabbigiis, midka xunna masoo saaro waxna aan ka ahayn wax yar oo dhib kusoo baxa. Sidaas baan ugu faahfaahinnaa Aayadaha qoomkii ku shukrinaya [Allaah].
  59. Waxaan dhabtii u dirnay Nuux qoomkiisii wuxuuna yiri, “Qoomkayow! Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah kale [oo xaq ah] Isaga maahee. Waxaan anigu idiin ka cabsanayaa Cadaab Maalin Wayn.”
  60. Waxay yiraahdeen madaxdii kamid ahayd qoomkiisii, “Waxaan innagu kugu aragnaa inaad ku sugan tahay baadi cad.”
  61. Wuxuu [Nuux] yiri, “Qoomkayow! Kuma sugni baadi, laakiin waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka.”
  62. “Waxaan idin soo gaarsiinayaa Farriimaha Rabbigay waana idiin naseexayn, oo waxaan ka ogahay xagga Allaah waxaydaan ogayn.”
  63. “Ma waxaad la yaabteen inuu idiin yimaado waano xagga Rabbigiin ah oo uu idiin wado nin idin kamid ahi si uu idiin ku digo oo aad uga cabsataan Allaah oo la idiin naxariisto?”
  64. Waase beeniyeen, markaas baan badbaadinnay isaga iyo kuwii ku wehliyayba Doonta, waxaana hafinnay kuwii beeniyay Aayadahayaga. Waxay xaqiiqdii iyagu ahaayeen qoom indha la’ [aan Xaqa arkayn].
  65. Oo waxaan u dirnay [reer] Caad walaalkood Huud, wuxuu yiri, “Qoomkayow! Caabuda Allaah! Ma lihidin ilaah kale [oo xaq ah] Isaga maahee. Ma waydaan Allaah ka cabsanayn?”
  66. Waxay yiraahdeen madaxdii gaalawday oo kamid ahaa qoomkiisa, “Waxaan innagu kugu aragnaa caqli xumo, xaqiiqdiina waxaan u malaynaynaa inaad kamid tahay beenaalayaasha.”
  67. [Huud] wuxuu yiri, “Qoomkayow! Ima hayso caqli xumo, laakiin waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka.”
  68. “Waxaan idin soo gaarsiinayaa farriimaha Rabbigay, waxaana idiin ahay daacad aamin ah.”
  69. “Ma waxaad la yaabteen inuu idiin yimaado waano xagga Rabbigiin ah, oo uu idiin wado nin idin kamid ah si uu idiin ku digo? Oo xusa marka uu idin ka yeelay kuwa u haray [dhulka] qoomkii Nuux kaddib, oo idiin kordhiyay lixaad abuur ahaan. Ee xusa Nicmooyinka [la idiin ka galladaystay] xagga Allaah, aad liibaantaane.”
  70. Waxay yiraahdeen, “Ma waxaad noola timid inaan caabudno Allaah Keliya oo aan ka tagno wixii ay caabudayeen aabbayaashayo? [Ma jirto] ee noo keen waxa aad noogu gooddiyayso haddii aad run sheegayso.”
  71. [Huud] wuxuu yiri, “Cadaab iyo caro baa horayba idiin ka dhacday xagga Rabbigiin. Ma waxaad igula doodaysaan magacyo aad bixiseen idinka iyo aabbayaashiin, uusan Allaah u soo dajin wax xujo ah? Ee suga, anigana waan idinla sugiye.”
  72. Markaas baan waxaan ku badbaadinnay isaga iyo intii la jirtayba naxariis ka ahaatay Xaggayaga, Waxaana goynay ciribta kuwii beeniyay Aayadahayaga, mana ay ahayn mu’miniin.
  73. Oo waxaan u dirnay [reer] Thamuud walaalkood Saalix. Wuxuu yiri, “Qoomkayow! Caabuda Allaah, ma lihidin ilaah kale [oo Xaq ah] Isaga maahee. Waxaa dhabtii idiin ka timid xujo cad [mucjizadii kasoo bixiddii hal aad u wayn gebi dhexdi] xagga Rabbigiin. tani waa hashii Alle, waa idiin calaamo, ee iska daaya ha daaqdo’e arlada Allaah, oo ha taabsiinnina wax dhib ah, yaysan idin qabane cadaab xanuun badan.”
  74. “Oo xusa marka uu idin ka yeelay kuwa u haray [dhulka reer] Caad kaddib, oo idin dajiyay dhulka idinkoo ka yeelanaya dooxooyinkeeda daaro waawayn, oo ka qoranaysaan buuraha guryo. Ee xusa Nicmooyinka [lagaga galladaystay korkiinna] xagga Allaah, oo ha bi’innina dhulka idinkoo ku falaya fasahaad.”
  75. Waxay madaxdii isla waynayd oo kamid ahaa qoomkiisii ku yiraahdeen kuwii la daciifsanayay, ee ahaa kuwoodii [Xaqa] rumeeyay, “Ma waxaad ogtihiin in Saalix lagasoo diray xagga Rabbigi?” Waxay yiraahdeen, “Innagu waxa lalasoo diray waan rumaynay.”
  76. Waxay yiraahdeen kuwii isla waynaa, “Innagu waxa aad rumayseen waan ku gaalownay.”
  77. Waxayna gowraceen hashii, oo ka hor yimaadeen Amarkii Rabbigood, oo yiraahdeen, “Saalixow! Noo keen waxaad noogu gooddiyayso haddii aad kamid tahay Rususha [Alle].”
  78. Waxaana qabtay dhul gariir, waxayna noqdeen [baqti] u yaal guryahoodii af gambi.
  79. Markaas buu ka jeesaday [Saalix] oo yiri, “Qoomkayow! Waxaan dhabtii idin soo gaarsiiyay Farriintii Rabbigay, oo idin naseexeeyay, laakiinse ma jeclidin kuwa idiin naseexeeya.”
  80. Oo [xus] Luud markii uu ku yiri qoomkiisii, “Ma waxaad la imaanaysaan xumaanta uusan idin ka horrayn axad kamid ah uumanka [dadka iyo jinka]?”
  81. “Idinku ma waxaad u tagaysaan ragga oo ku shahwo gudanaysaan halkii haweenka? Mayee, waxaadba tihiin qoom xad gudub badan.”
  82. Jawaabtii qoomkiisu waxay ahayd oo kaliya inay yiraahdaan, “Ka saara magaaladiinna, waaba dad is daahirinaya.”
  83. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba marwadiisii maahee, waxay kamid ahayd kuwii ku haray gadaal [cadaabta].
  84. Oo waxaan kusoo daadinnay korkoodii roob [dhagaxyo naar ah]. Ee fiiri maxay ahayd ciribtii danbiilayaasha.
  85. Oo waxaan u dirnay [reer] Madyan walaalkood Shucayb. Wuxuu yiri, “Qoomkayow! Caabuda Allaah, ma lihidin ilaah kale [oo Xaq ah] Isaga maahee. Waxaa dhabtii idiin ka timid xujo cad [calaamo] xagga Rabbigiin, ee oofiya beegidda iyo miisaanka oo haka dhimina [dulminnina] dadka waxyaalahooda, oo haku falina fasahaad dhulka korkiisa hagaajintiisa kaddib, sidaas baa idiin wanaagsan, haddii aad tihiin mu’miniin.”
  86. “Oo ha fariisannina jid kasta duleedkiisa, idinkoo gooddiyaya, oo ka hor istaagaya Jidka Allaah kuwa [Xaqa] rumeeyay, idinkoo la doonaya qallooc, oo xusa markii aad ahaydeen kuwa yar, oo uu idin badiyay. Ee fiiriya maxay ahayd ciribtii mufsidiinta [fasahaad falayaasha].”
  87. “Haddiise ay jirto koox idin kamid ah oo rumaysay waxa la ilasoo diray iyo koox aan rumaynin, sabra inta Allaah na kala xukumayo dhexdeenna, Isaga baana u wanaagsan inta wax xukunta.”
  88. Madaxdii isla waynayd oo kamid ahaa qoomkiisii waxay yiraahdeen, “Waxaan hubaashii kaaga saari doonnaa dibadda, Shucaybow, iyo kuwa [Xaqa] rumeeyay oo kula jiraba magaaladayada ama haddii kale idinku [dhammaan] waa inaad kusoo noqotaan diintayada.” Wuxuu yiri, “Ma haddii aan neceb nahay xitaa oo doonayn?”
  89. “Waxaan dhabtii ku been abuurannay Allaah haddii aan usoo noqonno diintiinna, kaddib markii uu Allaah naga badbaadiyay. Nagamana suurtowdo inaan u noqonno, inuu Allaah Rabbigayo doono ma’ahee. Wuxuu Rabbigayo ku koobaa wax walba Cilmi. Allaah baan tala saarannay. Rabbiyow! Nagu kala xukun innaga iyo qoomkayaga xaq, oo Adiga baa u wanaagsan inta wax kala xukmisa.”
  90. Madaxdii gaalowday oo kamid ahaa qoomkiisii waxay ku yiraahdeen [qoomkoodii], “Haddii aad raacdaan Shucayb, markaas waad khasaarteen.”
  91. Waxaase qabtay [gaaladii] dhul gariir oo weecda noqdeen [baqti], u yaal guryahoodii af gambi.
  92. Kuwii beeniyay Shucayb, waxay noqdeen sidii inayan marnaba ku nagaanin [guryahoodii]. Kuwii beeniyay Shucayb waxay ahaayeen kuwo khasaaray.
  93. Markaas buu isagu [Shucayb] ka jeesaday oo yiri, “Qoomkayow! Waxaan dhabtii idin soo gaarsiiyay Farriimihii Rabbigay, oo idin siiyay waano wanaagsan. Ee sidee baan uga xumaadaa [baabbi’inta] qoomka gaalada ah?”
  94. Oo ma jirto magaalo aan usoo dirnay Nabi xaggeeda [oo iyaguna beeniyeen] oo aannaan ku qaban dadkeeda ka sheegasho cudurro iyo musiibooyin, bal inay u baryaan Allaah si khushuuc leh [oo u toobad keenaan].
  95. Misna Waxaan uga baddalay meeshii xumaanta [dhibka] wanaag [khayr], ilaa ay bateen tiro iyo tayo ahaanba, oo yiraahdeen, “Aabbayaashayaba waxaa soo taabtay dhibaato iyo barwaaqo.” Markaas baan qabannay si kedo ah iyagoo aan dareemayn.
  96. Oo haddii ay dadka magaalooyinka rumayn lahaayeen oo ka dhawrsan lahaayeen xumaha, waxaan hubaashii ugasoo furi lahayn barakooyin cirka iyo dhulkaba, laakiinse waa beeniyeen, markaas baan ku qabannay [ciqaab] wixii ay kasban jireen darteed [oo shirki iyo macaasi ah].
  97. Ma waxay dadka magaalooyinka ka noqdeen aamin u imaanshaha baaskayaga habeennimo iyagoo hurda?
  98. Mise dadka magaalooyinka waxay ka noqdeen aamin u imaanshaha baaskayaga barqo iyagoo iska cayaaraya?
  99. Ma waxay ka noqdeen aamin Tabta Allaah? Cidina kama noqoto aamin Tabta Allaah aan ahayn qoom ah mid khasaaray.
  100. Ma waysan u caddaanin kuwa dhaxla dhulka oo uga hara dadkeedii [hore] oo lahaa, in haddii aan doonno, aan u ciqaabi lahayn danbiyadooda. Waxaana dabooli lahayn qalbiyadooda sidaa darteed wax ma maqlayaan?
  101. Kuwaasi magaalooyinka ah, waxaan kaaga qisoonaynaa warkooda [Muxammadow] waxayna dhabtii ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cadcad, mase ayan ahayn kuwo rumaynaya wixii ay beeniyeen awal hore. Sidaas buu Allaah u daboolaa qalbiyada gaalada.
  102. Oo kama aannu helin badankooda [run ka sheegid] cahdiyadoodii, waxaanse hellay badankood inay dhabtii yihiin faasiqiin.
  103. Waxaana iyagii kaddib lasoo dirnay Muusaa Aayadahayaga xagga Fircoon iyo duqaydiisii, waase diideen dulmi awgi. Ee fiiri sida ay ahayd ciribtii mufsidiinta.
  104. Oo wuxuu [Muusaa] yiri, “Fircoonow! Anigu waxaan ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka.”
  105. “Waxaana dhab ah inaan Allaah ka sheegayn waxaan ahayn Xaq. Waxaan dhabtii idiin kala imid Xujo Cad xagga Rabbigiin. Ee igu dar ha ila tageen ilmahii Israa’iil.”
  106. Wuxuu [Fircoon] yiri, “Haddii aad la timid calaamo bal keen [aan aragnee] haddii aad run sheegayso.”
  107. Markaas buu [Muusaa] tuuray ushiisii mise waa mas iska cad!
  108. Wuxuuna usoo saaray dibadda gacantiisa, mise waa caddahay [oo u ifaysaa] eegayaasha!
  109. Waxay yiraahdeen madaxadii kamid ahaa qoomkii Fircoon, “Xaqiiqdii kani waa saaxir cilmi badan oo xeel dheer.”
  110. “Wuxuu rabaa inuu idin ka saaro dhulkiinna, ee maxaad ku talinaysaan?”
  111. Waxay yiraahdeen, “Dib udhig [xaalkiisa] isaga iyo walaalkiiba [in muddo ah], oo u dir magaalooyinka ergooyin soo kulmiya.”
  112. “Oo kuu keena saaxir kasta oo xeel dheer.”
  113. Waxayna u yimaadeen sixiroolayaashii Fircoon. Waxay yiraahdeen, “Ma leennahay abaal gud [wanaagsan] haddii aan innagu adkaanno?”
  114. Wuxuu [Fircoon] yiri, “Haah, waxaana intaa dheer waxaad kamid noqon doontaan [haddii aad adkaataan] kuwa aan soo dhoweeyo.”
  115. Waxay yiraahdeen, “Muusow! Ama adigu [hor] tuuro mise innaga baa ahaanna kuwa [hor] tuurta?”
  116. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Tuurta idinku.” Markii ay tuureenna, waxay sixreen indhihii dadka oo argagax galiyeen, waxayna la yimaadeen sixir wayn.
  117. Waxaana u waxyoonnay Muusaa [Annagoo leh], “Tuur ushaada,” mise waxay liqliqday isla markiiba waxay been dhoobdhoobeen oo soo bandhigeen.
  118. Waxaana sugnaaday Xaqii, oo waxaa buray waxay falayeen.
  119. Waxaana lagaga adkaaday gaaladii halkaa, waxayna noqdeen iyagoo dullaysan.
  120. Waxaana loo riday sixiroolayaashii sujuud.
  121. Waxay yiraahdeen, “Waxaan rumaynay Rabbiga uumanka.”
  122. “Rabbiga Muusaa iyo Haaruun.”
  123. Wuxuu [Fircoon] yiri, “Ma waxaad rumayseen ka hor inta aan idiin idmin? Hubaashii, tani waa qoolid aad kusoo qoosheen magaalada si aad uga saartaan dadkeeda, waadse ogaan doontaan.”
  124. “Waxaan ugoyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna is dhaaf, waana idin wada daldali doonaa dhammaantiin.”
  125. Waxay yiraahdeen, “Waxaan innagu xaqiiqdii unoqonaynaa Rabbigayo.”
  126. “Naguna eedi maysid waxaan ahayn inaan rumaynay Aayadaha Rabbigayo markii ay noo yimaadeen! Rabbiyow! Nagu shub sabar oo na oofso innagoo Muslimiin ah.”
  127. Waxay yiraahdeen madaxdii kamid ahaa qoomkii Fircoon, “Ma waxaad udaynaysaa Muusaa iyo qoomkiisa inay fasahaadiyaan arlada, iyo inay ka tagaan adiga iyo caabudaaddaadaba?” Wuxuu yiri, “Waxaan dilaynaa wiilashooda, oo u daynaynaa haweenkooda nolol [si aan ugu adeeganno], waxaannu nahay innagu kuwa ka sarreeya oo qahraya.”
  128. Wuxuu Muusaa ku yiri qoomkiisii, “Kaalmaysta Allaah oo sabra. Xaqiiqdii, arlada waxaa iska leh Allaah, Wuxuuna dhaxalsiinayaa ciddii uu doono oo kamid ah addoomahiisa, ciribta [wanaagsanna] waxaa iska leh kuwa u hoggaansan amarrada Allaah oo ka dhowrsada [xumaha].”
  129. Waxay yiraahdeen, “Waxaa nasoo gaaray [innaga ilmahii Israa’iil ah] dhibaatooyin intii aadan [Muusoo] noo imaan iyo intii kaddib aad noo timidba.” Wuxuu [Muusaa] yiri, “Waa intaasoo uu Rabbigiin halaago cadawgiinna oo idin ka yeelo kuwa u hara arlada si uu eego sida aad u dhaqantaan.”
  130. Waxaan dhabtii ku qabannay reer Fircoon abaaro iyo nusqaan miraha ah, bal inay waansamaan.
  131. Haddii ay u timaaddo samaan waxay yiraahdaan, “Innagaa leh tan.” Oo haddii ay asiibto xumaan, waxay sharaystaan Muusaa iyo kuwa la jira. Sharaysigoodu waa xagga Allaah, laakiinse badankoodu ma oga.
  132. Waxay ku yiraahdeen [Muusaa], “Wixiiba ah aayado [xujooyin, calaamooyin] oo aad noola timaaddo si aad noogu sixirto, innagu marnaba kuma rumaynayno.”
  133. Markaas baan kusoo dirnay duufaan, ayax, injir, rah iyo [wax walba oo dareera ah oo isu roga] dhiig oo ah calaamooyin cadcad, sidaa oy tahay waxay ku baaqi ahaadeen isla waynidii, waxayna ahaayeen qoom danbiilayaal ah.
  134. Oo markii uu ku dhacay korkooda ciqaabku waxay yiraahdeen, “Muusow! Noo bari Rabbigaa wuxuu kugula ballamay darteed. Haddii aad naga fayddo ciqaabka, waa ku rumaynaynaa, waxaana kugu daraynaa ilmahii Israa’iil.”
  135. Markiise aan ka faydnay cadaabkii xaggooda ilaa muddo go’an oo ay ahayd inay gaaraan, bay markaas ka baxeen ballankii.
  136. Markaas baan ka aargudannay. Waxaan ku hafinnay badda, maxaa yeelay waxay beeniyeen Aayadahayaga oo ahaayeen kuwo ka dhoohan.
  137. Waxaana dhaxalsiinnay qoomkii ahaa kuwo lagu dullaysto bariga dhulka iyo galbeedkiisa [Masar iyo Shaam] ee aan barakaynay. Oo waxay u il tirantay Kalmaddii caadilka ahayd ee Rabbigaa ilmahii Israa’iil, sabarkoodii iyo dadaalkoodii awgi. Waxaana baabbi’innay wuxuu samaynayay Fircoon iyo qoomkiisii iyo waxay dhismooyin taageen.
  138. Oo waxaan ku dhaafinnay ilmahii Israa’iil [nabad] baddii, markaasay waxay ku yimaadeen qoom dul fadhiya oo u hagar baxsan qaar kamid ah sanammadoodii [cibaado ahaan]. Waxay yiraahdeen, “Muusow! Noo yeel ilaah sida ay iyaguba u leeyihiin ilaahyo.” Wuxuu [Muusaa] yiri, “Waxaad xaqiiqdii idinku tihiin qoom aan garanayn [Waynida iyo Sarraynta Allaah iyo waxa idin saaran waajib ahaan, waa inaydaan caabudin axadna Allaah Kaliya maahee, Waaxidka ah Ilaaha Keliya ay leeyihiin dhammaan waxa uunka jira].”
  139. [Muusaa wuxuu intaa ku daray,] “Xaqiiqdii, dadka kani waa lagu rogi doonaa waxay ku sugan yihiin [oo sanam caabud ah] darteed. Oo waa baadil waxa ay falayaan.”
  140. Wuxuu yiri, “Ma waxaan idiin doonaa ilaah kale aan ahayn Allaah, isagoo idin ka kor mariyay caalamka?”
  141. Oo [Xusa] markii aan idin ka samata bixinnay qoomkii Fircoon oo idin dhadhansiiyay cadaab xun iyagoo dilayay wiilashiinna, oo u daynayay haweenkiinna nolol. Taasina waxaa ku sugnaa jarribaad xagga Rabbigiin ah oo wayn.
  142. Waxaana u qabannay Muusaa soddon habeen oo ku darnay [muddadii] toban [dheeri ah] wuxuuna buuxshay muddadii uu u qabtay Rabbigi oo afartan habeen ah. Wuxuuna Muusaa ku yiri walaalki Haaruun, “Iiga sii dambee qoomkayga, oo wax wanaaji, hana raacin jidka mufsidiinta.”
  143. Oo markii uu u yimid Muusaa ballankannagii oo Rabbigi la hadlay, wuxuu [Muusaa] yiri, “Rabbiyow! Itus [Naftaada] aan ku arkee.” Allaah wuxuu yiri, “Ima arkaysid, laakiinse fiiri buurta haddii ay ku sugnaato meesheeda markaa waa i arki doontaa.” Markii uu Rabbigi u muuqday buurta, wuxuu ka dhigay baduugta, waxaana dhacay Muusaa suuxdin darteed. Markii uu miyirsaday buu wuxuu yiri, “Allow Adigaa Nazahan, Waan kuu toobad keenay, oo waxaan ahay kan ugu horreeya mu’miniinta.”
  144. [Allaah] wuxuu yiri, “Muusow! Waxaan kaaga doortay dadka [waqtigan] farriimahayga iyo kula hadalkayga ee qabso waxa aan ku siiyay oo kamid ahow kuwa shukriya.”
  145. Oo Waxaan ugu qornay alwaaxda wacdi la xiriira wax kasta iyo faahfaahinta waxyaalaha oo dhan [oo niri], “Ku qabso xoog [go’aan adag], oo amar qoomkaagana inay qaataan wanaagga ku sugan dhexdiisa. Waxaan ku tusi doonaa daarta faasiqiinta.”
  146. Waxaan ka duwi doonaa Aayadahayga [Qur’aanka] kuwa isku kibriya arlada xaq darro, haddii ay arkaan Aayad kasta ma rumayn doonaan. Haddii ay arkaan jidka hanuunka kama dhigan doonaan jid, haddiise ay arkaan jidka habowga waa qaadi doonaan jidkaas, waxaana sidaas ugu wacan inay beeniyeen Aayadahayaga, oo ahaayeen kuwo ka dhoohan.
  147. Kuwa beeniyay Aayadahayaga iyo la kulanka Aakhiraba [Maalinta Qiyaame], waxaa buray camalladooda. Miyaase laga abaal mariyaa waxaan ahayn wixii ay camal fali jireen?
  148. Oo waxay ka yeesheen qoomkii Muusaa intii uu maqnaa dahabkoodii sawir dibi oo cod leh [si ay u caabudaan]. Ma waysan arkayn inuusan la hadlaynin oo ku toosinayn jid? Waxay u yeesheen inay caabudaan oo waxay ahaayeen daalimiin.
  149. Oo markii ay ka shallaayeen oo arkeen inay dhumeen bay [toobad keeneen oo] yiraahdeen, “Haddii uusan Rabbigayo noo naxariisan oo noo danbi dhaafin, waxaan hubaashii kamid noqon doonnaa kuwa khasaaray.”
  150. Oo markii uu kusoo noqday Muusaa qoomkiisii isagoo caraysan oo walbahaarsan, wuxuu yiri, “Muxuu wax baas yahay waxa aad fasheen [caabudidda dibiga] intii aan maqnaa? Ma waxaad ka degdegteen amarkii Rabbigiin oo ka tagteen [caabudiddiisa]?” Wuxuuna tuuray looxyadii oo soo qabtay madaxa walaalki isagoo usoo jiidaya xaggiisa. Haaruun wuxuu yiri, “Ina hooyow! Dhabtii qoomku waxay ii arkeen daciif waxayna ku sigteen inay i dilaan, ee ha igu wiirsi galin cadawga, hana iga mid dhigin qoomka ah daalimiinta.”
  151. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Rabbiyow! Ii danbi dhaaf aniga iyo walaalkayba, oo na gali Naxariistaada, Adigaa Unaxariis Badan inta naxariisata.”
  152. Hubaashii, kuwii u yeeshay dibiga [inay caabudaan] waxaa soo gaari doona caro ah xagga Rabbigood iyo dulli nolosha adduunka ah. Sidaas baana u abaal marinnaa been abuurtayaasha.
  153. Kuwase falay camallo xun ee toobad keenay intaas kaddib, oo [Xaqa] rumeeyay, xaqiiqdii, Rabbigaa waxyaalahaa [dhan] kaddib waa Danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  154. Oo markii ay ka dagtay Muusaa caradii, wuxuu soo qaatay looxyadii, waxaana ku qornaa nuqulkeeda wax hanuun iyo naxariis u ah kuwa ka cabsada Rabbigood.
  155. Wuxuuna kasoo doortay Muusaa qoomkiisii toddobaatan raggoodii [u wanaagsanaa ah] ballankannagii dartiis, markii ay qabatay dhul gariir daran, wuxuu yiri, “Rabbiyow! Haddii aad doonto, Waxaad rogi lahayd iyaga iyo anigaba awal hore, ee ma waxaad noo rogaysaa waxa ay faleen kuwa maan gaabka ah ee innagu jira? Waa oo keliya jarribkaaga ee aad ku baadiyayso kii aad doonto, uguna sugtid hanuunsanaanta kii aad doonto. Adigaa ah Waligayo [Gacalkayo iyo Gargaarahayo], ee noo danbi dhaaf oo noo naxariiso, Adigaa u wanaagsane inta danbi dhaafta.”
  156. “Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba. Waxaan hubaashii usoo noqonnay xaggaaga.” Wuxuu [Allaah] yiri, “[Xagga] Cadaabtayda waxaan ku asiibaa kii aan doono, Naxariistayduna waxay gaartaa wax walba.” [Naxariistaa] waxaan u qori doonaa kuwa u hoggaansan amarrada Allaah ee ka dhowrsada xumaha ee bixiya Zakada, ee ah kuwa Aayadahayaga rumaysan.
  157. Kuwa raaca Rasuulka, Nabiga aan waxna akhrin karin waxna qori karin [Muxammad] oo ay ka helayaan isagoo ku qoran agtooda Tawraadda iyo Injiilka, wuxuu amraa wanaagga [Iimaanka iyo camalka wanaagsan] oo ka reebaa xumaanta [shirkiga iyo macaasida], wuxuu u banneeyaa Tayibaat [waxyaalaha wanaagsan ee xalaasha ah] oo ka xarrimaa Khabaa’ith [waxyaalaha xun ee xaaraanta ah] oo ka dajiya culayskii iyo xargihii korkooda ahaa. Ee kuwa rumeeya Nabi [Muxammad], oo sharfa, u gargaara oo raaca Nuurka [Qur’aanka] lalasoo diray, waa kuwaas kuwa liibaanay.
  158. Dheh [Muxammadow], “Dadow! Anigu waxaan ahay Rasuul Allaah oo loosoo diray idinka oo dhan, Kan [Allaah ee iska] leh mulkiga cirarka iyo dhulka. Ma jiro axad xaq u leh in la caabudo Isaga Maahee, Waa Isaga Kan bixiya nolosha oo sababa geerida.” Ee rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad], Nabiga aan wax akhrin karin waxna qori karin [waa Muxammad] ee rumaysan Allaah iyo Kalmadihiisa [Qur’aankan, Towraadda iyo Injiilka], oo raaca si aad u hanuuntaan.
  159. Waxaana kamid ah qoomkii Muusaa dad ku hanuunsanaa xaqa oo ku ooga caddaaladda [ku xukuma dadka xaq iyo caddaalad].
  160. Waxaanu u qaybinnay labo iyo toban qabiiloodoo ummado kala duwan ah. Waxaan u waxyoonnay Muusaa, markii ay qoomkiisii waydiisteen waraabka [biyo, oo ku niri], “Ku dhufo dhagaxa ushaada,” halkaasna waxaa durbadiiba kasoo burqaday labo iyo toban ilood, qolo walbaa waxay ogaatay meeshay biyaha ka cabbi lahayd. Waxaana ku hoosnay daruuro, oo kusoo dajinnay Mannaa [malab] iyo Salwaa [shimbir hilib macaan, oo aan ku niri], “Cuna waxyaalaha wanaagsan oo aan idin ku irzaaqnay.” Nama ay dulmin, laakiinse waxay dulmin jireen naftooda.
  161. Oo [xus] markii lagu yiri, “Dega magaaladan [Qudus] oo wax ka cuna meeshaad doontaan, idinkoo dhahaya, ‘[Allow noo] dhaaf danbiyadayada,’ oo gala albaabka idinkoo sujuudsan [u rukuucsan si khushuuc leh], Waa idiin dhaafi doonnaa gafafkiina, Waan u ziyaadin doonnaa [ajarka] sama falayaasha.
  162. Waxayse ku baddaleen kuwoodii kamidka ahaa ee dulmiga falay hadal ka duwan kii lagu yiri. Markaas baan ugasoo dirnay cadaab cirka jaazayn ahaan dulmi falkoodii.
  163. Oo wax ka waydii [Muxammadow kuwaa Yuhuudda ah] magaaladii ku ag tiil badda, markii ay ku xad gudbeen arrinkii [Maalinta] Sabtida, iyagoo ay u imanayeen kalluunkoodu si caddaan ah maalinta Sabtidooda ah iyagoo muuqda, maalinta aan Sabti ahayn uma timaaddo. Sidaas baan u imtixaannay faasiqnimadoodii awgeed.
  164. Oo [xus] markii ay qolo kamid ahi tiri, “Maxaad u waaninaysaan qoom uu Allaah halaagayo, ama ku cadaabayo cadaab daran?” Waxay [kuwoodii wanaagsanaa] yiraahdeen, “Waa u cudur daarasho ahaan Rabbigiin [Allaah] horti, iyo bal inay ka dhowrsadaan xumaha.”
  165. Markii ay iska hilmaameen [ayan dan u galin] waanooyinkii iyo wacdiyadii la siinayay, Waxaan badbaadinnay kuwii reebayay xumaanta, waxaana ku qabannay kuwii dulmiga falay cadaab daran faasiqnimadoodii darteed.
  166. Markii ay ku madax adaygeen wixii laga reebay waxaan ku niri, “Noqda daayeerro dufaysan oo dayra ah.”
  167. Oo [Xus] markii Rabbigaa caddeeyay inuu hubaashii joogto ugusoo bixinayo lidkood [Yuhuudda] ilaa Maalinta Qiyaamaha kuwo dhadhansiiya cadaab xun. Xaqiiqdii Rabbigaa waa ku Dhakhsi Badan yahay Ciqaabta, waana Danbi Dhaaf iyo Naxariis Badan yahay.
  168. Oo waxaan ugu googgoynay [Yuhuudda] arlada iyagoo ummado ah, waxaa kamid ah kuwo suubban iyo kuwo aan sidaas ahayn. Waxaana ku imtixaannay wanaagyo [barakooyin iyo barwaaqo] iyo xumaano [musiibado iyo balooyin] bal inay unoqdaan [adeecidda Allaah].
  169. Waxaana xigsaday gadaashood fac [xun], oo dhaxlay Kitaabkii, oo u doora [naftooda] wanaagyada noloshatan hoosaysa [waa raaxooyinka xun ee adduunkan] iyagoo leh [cudur daar ahaan], “[Wax walba] waa naloo dhaafi doonaa.” Haddiina [mar kale] siismada wax lamid ah [raaxooyinka xaaraanta ah ee adduunkan] yimaadaan jidkooda, waxay qaadanayaan [mar kale oo galayaan danbiyadaa]. Ma waan wacadkii Kitaabka laga qaadin ahaa inaysan ka sheegin Allaah waxaan ahayn Xaq? Waana akhristeen [barteen] waxa ku qoran [Kitaabka], Daarta Aakhiraana u wanaagsan kuwa Allaah ka cabsada, ee ma waydaan garasho lahayn?
  170. Kuwa qabsadana Kitaabka [macnaha waa ku camal fala oo isku dhowra] oo u ooga salaadda si wanaagsan, Annagu hubaashii marnaba ma dayacno ajarka kuwa wax wanaajiya.
  171. Oo [xus] markii aan ka kor yeelnay buurtii dushooda sidii isagoo harayn oo ay moodeen inuu kusoo dhacayo. [Waxaannu niri,] “Ku qaata xoog [go’aan adag] waxa aan idin siinnay [Towreedda], oo xusa waxa ku yaal dhexdiisa [oo ku camal fala amarradiisa], waa intaasoo aad ka dhowrsataan xumaha.”
  172. Oo [xus] markii uu Rabbigaa kasoo saaray ilma Aadam dhabarradooda ubadkooda [ama dhabarka Aadam durriyadiisii] oo ka yeelay inay qiraan naf ahaantooda [markii uu ku yiri], “Sow ma ahi Rabbigiin?” Waxay yiraahdeen, “Haah, markhaati baan ka nahay.” Taasina waa inaydaan oran Maalinta Qiyaame, “Waxaan innagu ahayn kuwo moog waxakani.”
  173. Ama aydaan oran, “Waxaa kuu shariig yeelay oo kaliya aabbayaashayo awal hore, oo waxaannu innaguna ahayn [oo kaliya] carruurtoodii ka dambaysay, ma waxaad noo halaagaysaa waxay faleen Mubdiluun [mushrikiinta gaalada iyo danbiilayaasha]?”
  174. Sidaas baan uga faahfaahinnaa aayadaha, bal inay usoo noqdaan [Xaqa].
  175. Oo u akhri [Muxammadow] qisada kii aan siinnay Aayadahayaga, ee ka siibtay Shaydaanna raacay, ee kamid noqday kuwa habaabay.
  176. Oo haddii aan doonno waxaan hubaashii ugasoo qaadi lahayn kor, laakiinse wuxuu isku dhajiyay dhulka oo raacay hawadiisa. Marka mataalkiisu waa mataalka ey, haddii aad u saarto dibadda lalmin carrabkiisa, haddii aad iska daysana [wali] lalminaya carrabkiisa, waa kaas mataalka qoomka beeniya Aayadahayaga, ee uga qisee qisooyinka bal inay fakaraan.
  177. Xumaa mataalka qoomka beeniya Aayadahayaga, naftoodana waxay ahaayeen kuwo dulmiya.
  178. Kii Allaah hanuuniyo uun baa hanuunsan, kii uu Allaah dhumiyana, kuwaasu waa kuwa khasaaray.
  179. Waxaan dhabtii u abuurnay Naarta Jahannama in badan oo jinka iyo insiga kamid ah. Waxay leeyihin qalbiyo aysan wax ku fahmin, waxayna leeyihiin indho aysan wax ku arag, oo waxay leeyihiin dhego aysan ku maqal [Xaqa]. Waa sida xoolo oo kale, mayee waliba waa kasii dhunsan yihiin, kuwaasina waa kuwa dhoohan.
  180. Oo [dhammaan] Magacyada wanaagga badan waxaa iska leh Allaah, ee ku barya magacyadaa, oo isaga taga kuwa leexiya [ama diida ama macno dooriya ama ka yiraahda hadal aan abbaar ahayn Magacyadiisa iyo sifaadkiisa]. Waa laga jaazayn doonaa wixii ay fali jireen awgeed.
  181. Oo waxaa kamid ah waxa aan abuurnay ummad ku hanuunsan Xaqa oo ku socda caddaaladda.
  182. Kuwase beeniya Aayadahayaga, waxaannu ka qaban doonaa meel aysan dareemayn.
  183. Waana u sugayaa, hubaashii Tabtaydu waa xoog badan tahay.
  184. Ma waysan fakarayn? Ma qabo saaxiibkood [Muxammad] wax waalli ah, wax kalana maahee waa dige iska cad.
  185. Ma waysan fiirin mulkiga cirarka iyo dhulka iyo dhammaan waxyaalaha uu Allaah abuuray, iyo in laga yaabo in ajashoodii soo dhowaatay, ee fartiintee isaga [Qur’aanka] kaddib bay rumaynayaan?
  186. Kii Allaah dhumiyo ma leh wax hanuunin, wuxuuna uga tagayaa xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan.
  187. Waxay ku warsanayaan Saacadda [Qiyaame], “Waa goorma waqtigeedu?” Dheh, “Cilmigeedu wuxuu jiraa xagga Rabbigay [Keliya]. Ma jiro wax caddayn kara waqtigeeda Isaga maahee. Waxaa culus xammuulkeeda cirarka iyo dhulka dhexdooda. Idiinkuma imaan doonto waxaan ahayn kado.” Waxay kuu waydiinayaan sidii adigoo ka dharagsan cilmigeeda. Dheh, “Cilmigeedu wuxuu jiraa xagga Allaah [Kaliya] laakiinse badankiisu dadku ma oga.”
  188. Dheh [Muxammadow], “Ma lihi awood aan wax ku taro ama ku waxyeelleeyo naftayda wixii Allaah doono ma’ahee. Haddiina aan ogahay cilmi Ghaybka [waxa qarsoon aan muuqan], waxaan taransan lahaa khayrka, xumana ima taabteen. Anigu ma ahi waxaan ahayn dige, iyo mid u sida bishaarooyin wanaagsan oo farxad leh qoomkii rumaynaya.”
  189. Waa [Allaah] Kan idin ka abuuray naf kaliya [Aadam] oo ka yeelay xaggiisa afadiisii [Xawwaa], si uu ugu xasilo. Markii uu la galmooday [nin kamid ah firkii Aadam xaaskiisa], waxay noqotay xaamilo oo qaadday uur yar, markiina ay cuslaatay bay labaduba baryeen Allaah Rabbigood [iyagoo leh], “Haddii aad na siiso dhal suubban [ka suubban dhinac kasta], waxaan hubaashii kamid noqon doonnaa kuwa shukriya.”
  190. Markiise uu siiyay dhal suubban [ka suubban dhinac kasta], waxay ugu yeeleen shariigyo wixii uu siiyay, ee waa ka sarreeyaa Allaah oo ka kor ahaaday dhammaan waxa ay u shariig yeelaan.
  191. Ma waxay u shariig yeelayaan Allaah waxaan wax abuurin, oo iyaga naf ahaantooda la abuuray?
  192. Oo aan u gargaari karayn, bal aan naftooda u gargaari karin?
  193. Oo haddii aad ugu yeerto hanuun aan idin raacayn? Waa isugu kiin mid haddii aad u yeertaan ama ka aamustaan.
  194. Xaqiiqdii, kuwa aad u yeerataan [baridaan] Allaah sokadi waa addoomo idin lamid ah, ee bal u yeerta oo barya ha idin ajiibeene haddii aad run sheegaysaan.
  195. Ma waxay leeyihiin cago ay ku socdaan? Mise waxay leeyihiin gacmo ay wax ku qabsadaan? Mise waxay leeyihiin indho ay wax ku arkaan? Mise waxay leeyihiin dhago ay wax ku maqlaan? Dheh [Muxammadow], “Uyeerta shurakadiinna [sanamyada iyo waxa lamida] oo idhagra, hana isiinnina kansho.”
  196. “Xaqiiqdii, Waligaygu [Gacalkayga, Ilaaliyahayga, Gargaarahayga] waa Allaah Kan soo dajiyay Kitaabka [Qur’aanka], Isagaana ilaaliya [oo u gargaara] kuwa wanaagsan.”
  197. “Kuwa aad baridaanna Allaah sokadi ma karaan gargaarkiinna, naftoodana uma gargaari karaan.”
  198. Oo haddii aad ugu yeertaan hanuun ma maqlaan, waxaadna aragtaa iyagoo kusoo eegaya, sidaa oy tahay aan waxba arkayn.
  199. Qaado sida fudud oo muuji saamaxaad, oo amar wixii wanaagsan, kana jeeso jaahiliinta.
  200. Oo haddii uu ku waswaasiyo Shaydaan waswaasin, ka magan gal Allaah. Isaga baa ah Maqal Badane, Cilmi Badan.
  201. Xaqiiqdii, kuwa Allaah ka cabsada, markii ay wasaawasin uga timaaddo Shaydaanka oo taabto sharki, waxay xusaan [Allaah] oo markaas arkaan xaqa [oo toosnaadaan].
  202. Walaalaha Shaydaankuse waxay ku kaalmeeyaan habowga, kamana gaabiyaan.
  203. Oo haddii aydaan ula imaan [mushrikiinta iyo gaalada] aayad [mucjizo waafaqsan taladooda] waxay yiraahdaan, “Maxaad noogu keeni wayday mucjizo?” Dheh, “Waxaan sideedaba anigu raacaa waxa la iiga waxyooday xagga Rabbigay. Kani [Qur’aankan] wax kale maahee waa oo kaliya caddaymo ka yimid xagga Rabbigiin, waana u hanuun iyo naxariis qoomkii rumaynaya.”
  204. Oo marka la akhrinayo Qur’aanka dhagaysta oo aamusa hala idiin naxariisto’e .
  205. Oo ku xus Rabbigaa naftaada si khushuuc leh iyo Allaah ka cabsi adigoon kor ugu qaadin codkaaga qowlka subax iyo galabba, oo ha kamid noqon kuwa dhoohan.
  206. Hubaashii, kuwa ka ag dhow Rabbigaa [malaa’igta] marnaba iskama wayneeyaan cibaadadiisa, oo way nazahaan, Isaga bayna u sujuudaan.

Suuradda 8aad: Al-Anfaal [Qaniimooyinka Dagaalka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waxay wax kaa su’aalayaan [Muxammadow xukunka] qaniimooyinka dagaalka. Dheh, “Qaniimooyinka waxaa iska leh Allaah iyo Rasuulka.” Ee ka cabsada Allaah oo hagaajiya xaalka dhexdiinna ah, oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad], haddii aad tihiin mu’miniin.
  2. Sideedaba mu’miniintu waa kuwa marka la xuso Allaah, ka dareema cabsi qalbiyadooda, oo marka loo akhriyo Aayadahiisa [Qur’aankan] ay u kordhiso iimaan oo Rabbigood [Kaliya] tala saarta.
  3. Kuwa u ooga salaadda si wanaagsan oo wixii aan ku irzaaqnay wax ka bixiya.
  4. Waa kuwaas mu’miniinta runta ah. Waxay ku leeyihiin darajooyin sharaf iyo maamuus ah Rabbigood agtiis, iyo danbi dhaaf iyo rizqi wanaagsan [Janno].
  5. Sida uu kaaga bixiyay [Muxammadow] Rabbigaa gurigaaga si xaq ah, oo xaqiiqdii qaar kamid ah mu’miniinta waa kahanayeen.
  6. Waxay kugula doodayaan xaqa kaddib markii uu u caddaaday, sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya.
  7. Oo [xus] markii uu Allaah idiin yaboohay idinka [Muslimiinta] mid kamid ah labada qolo [ee cadawga waa ciidanka ama safarka badeecada siday] inaad mid helaysaan, idinkoo jecel tan aan hubaysnayn ee tabarta yar [safarka badeecada siday] inaad heshaan, wuxuuse Allaah doonayaa inuu ku sugo xaqa kalmadihiisa, oo gooyo ciribta gaalada [waa dagaalka Badar gudahiisa].
  8. Si uu u sugo Xaqa, oo u buriyo baadilka haba necbaysteene Mujirimiintu [gaalada, mushrikimta, danbiilayaasha iyo waxa lamida].
  9. [Xus] markii aad ka gargaar dalabteen Rabbigiin Isaguna idin ka aqbalay [isagoo leh], “Waxaan idin ku xoojinayaa kun malaa’igta kamid ah oo is raacsan.”
  10. Wuxuu Allaah u yeelay oo kaliya bishaaro ahaan, iyo inay idiin ku dagaan qalbiyadiinnu, mana jirto guul aan ahayn oo ka imaan xagga Allaah. Xaqiiqdii Allaah waa Awood Badane, Xikmad Badan.
  11. [Xus] markii uu idin ku daboolay lulmada aaminnimo darteed xaggiisa ah, wuxuuna idiin kagasoo dajiyay xagga cirka biyo [roob], si uu idiinkugu daahiriyo, oo idinkaga bi’iyo rijziga [waswaasin galinta xumaanta iyo wixi lamida] Shaydaanka, iyo si uu u xoojiyo qalbiyadiinna, oo idiinku sugo cagahiinna.
  12. [Xus] markii Rabbigaa u waxyooday malaa’igta, “Aniga baa idin la jira ee suga kuwa [Xaqa] rumeeyay. Waxaan ku tuuri doonaa qalbiyada kuwa gaaloobay argagax, ee ka garaaca luqumaha korkeeda, oo ka garaaca dhammaan xubnaha faraha.”
  13. Maxaa yeelay waxay ka hor yimaadeen oo caasiyeen Allaah iyo Rasuulkiisa. Kiina ka hor yimaada oo caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, xaqiiqdii Allaah waa ciqaab Adag yahay.
  14. Waxakani waa cadaabtii, ee dhadhamiya, oo hubaashii waxay leeyihiin gaaladu cadaab Naareed.
  15. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haddii aad kula kulantaan kuwa gaaloobay goobta dagaalka marnaba ha u jeedinina dhabarka.
  16. Kii u jeediya dhabarkiisa maalintaas oo kale, inay tahay maahee xeel dagaal ama inuu ku biirayo ciidan [uu ka tirsan yahay], wuxuu dhabtii usoo jiiday naftiisa caro ah xagga Allaah, hoygiisuna waa Naar, oo aayo xun.
  17. Ma aydaan layn idinku, laakiinse Allaah baa laayay. Adiguna [Muxammadow] ma aadan gamin markii aad ganeysay laakiinse Allaah baa ganay, si uu u janibo mu’miniinta jarribaad wanaagsan oo xaggiisa ah. Xaqiiqdii, Allaah waa Maqal Badane, Cilmi Badan.
  18. Waa sidaas [xaqiiqdu] oo hubaashii, Allaah waa liciifiyaa dhagarta baas ee gaalada.
  19. Haddii aad dalabteen [gaaloy] kala bax, haatan kala bixii waa idiin yimid, haddiina aad joojisaan [xumaan falidda], waa sida idiin khayr badan, haddiise aad ku noqotaan [wax soo weerarka] innagana sidoo kale waa u noqon doonnaa [u gargaarka Nabiga], oo ciidamadiinnu waxba idiin ma tari doonaan si kastaba ha u tiro badnaadeene, oo xaqiiqdii Allaah wuxuu la jiraa mu’miniinta
  20. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo haka jeesannina xaggiisa [waa Rasuulka Muxammad] idinkoo maqlaya.
  21. Oo ha noqonnina sidii kuwii yiri, “Maqallay,” iyagoo aan wax maqlayn.
  22. Xaqiiqdii, waxaa u shar badan noolayaasha ku socda dhulka Allaah agti kuwa dhegaha la’ ee afka la’ aan wax fahmayn [waa gaalada].
  23. Oo haddii Allaah uu ku ogaan lahaa wax khayr ah, wuxuu dhabtii ka yeeli lahaa inay maqlaan, haddii uu ka yeeli lahaa inay wax maqlaanna, waa uun sii jeesan lahaayeen iyagoo xaqdiid ah.
  24. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ajiiba Allaah iyo Rasuulkiisa marka uu idiin ku yeero wax idin nooleeya [Xaqa], oo ogaada inuu Allaah [ karo] inuu kala dhex galo qofka iyo qalbigiisa, oo Xaggiisa la idin soo kulmin doono.
  25. Oo iska jira fitno aan ugu dhacayn gooni [oo kaliya] kuwiinna idin kamid ah ee dulmiga falay [laakiinse laga yaabo inay ku dhacdo oo wada saamayso dhammaan dadka xun iyo dadka wanaagsanba], oo ogaada in Allaah ay daran tahay ciqaabtiisu.
  26. Oo xusa markii aad ahaydeen kuwo tiro yar oo lagu dullaysto dhulka, oo ka cabsanaya in dadku idin kala dafaan, markaasuu idin siiyay hoy aamin ah oo idin ku xoojiyay Gargaarkiisa, oo idinku irzaaqay waxyaalo wanaagsan oo xalaal ah bal inaad shukridaan.
  27. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ha khayaamina Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha khayaamina idinkoo ogsoon ammaanooyinkiinna [waxyaalaha la idiin dhiibay, xilalka aad qaaddeen, iyo waajibyada uu Allaah idin ku farad yeelay].
  28. Oo ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin oo kaliya fitno [jambaad, imtixaan] iyo in hubaashii Allaah agtiisa yahay Ajar Wayn [Janno].
  29. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haddii aad ka cabsataan Allaah, Wuxuu idin siin doonaa Furqaan kala bixiye [aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta], ama [makhraj, faraj, waa in la idiin yeelo jid aad kaga baxdaan dhibaato kasta iyo nabad galyo] wuxuuna idin ka asturi doonaa xumaanahiinna, oo idiin danbi dhaafi doonaa, oo Allaah waa Kan iska leh Fadliga Wayn.
  30. Oo [xus] markii ay galaadu kuu qooleen qool adiga [Muxammadow] inay kuu xiraan, ama ku dilaan ama kaa saaraan [Makkah], wax bay [gaaladu] qoolaan, oo Allaah sidoo kale wax buu tabeeyaa, oo Allaah waa kan u wanaagsan inta wax tabaysa.
  31. Oo marka loo akhriyo Aayadahayaga [Qur’aanka], waxay yiraahdaan, “Waa maqallay [Qur’aan] kan, haddii aan doonno waxaan oran karnaa wax lamid ah kan. Waxakanu ma aha waxaan ahayn sheekooyinkii dadkii hore.”
  32. Oo [xus] markii ay yiraahdeen, “Allahayow! Haddi uu kani [Qur’aanka] uu yahay xaq [lagasoo dajiyay] xaggaaga, nooga soo daadi roob dhagxaan naar ah cirka ama noo keen cadaab xanuun badan.”
  33. Ma ahase Allaah mid cadaabaya adigoo [Muxammadow] dhex jooga, oo ma aha mid cadaabaya iyagoo danbi dhaaf dalbaya oo istiqfaaranaya.
  34. Oo muxuusanse Allaah u cadaabayn iyagoo ka celinaya [dadka] oo ka hor istaagaya Masjid Al-Xaraam, mana aha ehelkiisa? Oo ehelkiisu ma aha waxaan ahayn kuwa Allaah ka cabsada, laakiinse badankoodu ma oga.
  35. Salaaddoodana Baytka [Allaah waa Kacbada ku taal Makkah] agteeda ma ahayn waxaan ahayn foori iyo sacabbo tumid, ee dhadhamiya cadaabta gaalnimadiinna darteed.
  36. Xaqiiqdii, kuwa gaaloobay waxay ku bixinayaan maalkooda si ay uga hor istaagaan [dadka] Jidka Allaah, sidaas bayna wax ugu bixin doonaan, waxayse ku noqon doontaa qoomamo, waana laga adkaan doonaa. Kuwaa gaaloobayna xagga Naarta baa loo soo kulmin doonaa.
  37. Waa si uu Allaah uga sooco kuwa xun [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha] kuwa wanaagsan [kuwa xaqa rumeeyay ee fala camallo wanaagsan] oo ka yeelo xumaha [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha] qaarba qaarka kale dushood, oo isku raseeyo dhammaan, uguna tuuro Naar. Waana kuwaas kuwa khasaaray.
  38. Ku dheh kuwa gaaloobay, haddii ay ka haraan [gaalnimada] waxaa loo dhaafi doona wixii horay uga dhacay. Haddiise ay u noqdaan [gaalnimada], waxaa dhabtii horraysay jidkii kuwii hore [la ciqaabay].
  39. Oo la dirira [gaalada] jeer la waayo fitno [shirki, gaalnimo iyo waxa lamida] oo u ahaato diinta [cibaadada] Allaah Kaliya [adduunka oo dhammi]. Haddiise ay joojiyaan [shirkiga iyo macaasida], hubaashii Allaah waxa ay falayaan waa arkaa.
  40. Haddiise ay jeesadaan, ogaada in Allaah yahay Mawlihiinna [gargaarihiinna, Rabbigiin, Ilaaliyihiin iyo Gacalkiin], [muxuu ahaaday] gacal wanaagsan, oo [muxuu ahaaday] gargaare wanaagsan
  41. Oo ogaada in wixii aad heshaan oo qaniimo dagaal ah, shan meeloodoo meel uu leeyahay Allaah, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow [ee Rasuulka Muxammad] iyo sidoo kale agoomaha, masaakiinta, iyo tub ku joogaha, haddii aad tihiin kuwo rumaysan Allaah iyo waxa aan kusoo dajinnay addoonkayaga [Muxammad] maalintii kala baxa [xaqa iyo baadilka], maalintii ay kulmeen labada ciidan [dagaalkii Badar], oo Allaah wax walba inuu falo waa karaa.
  42. [Oo xus] markii aad idinku [ciidanka Muslimiinta] joogteen docda soke ee togga, iyaguna [gaaladu] ay joogeen docda shishe, safarkii badeecadda sidayna idin ka hooseeyay. Haddii aad samayn lahaydeen madal dhexdiinna ah aad isku heshaan, waxaa hubaal ah inaad seegi lahaydeen madasha, laakiinse [waad is hesheen] si Allaah u hirgaliyo amar horay loogu gooyay [Cilmigiisa], si kuwii ahaa kuwo loo halaagayo [diiddadooda iimaanka awgi] loo halaago xujo cad kaddib, kuwii ahaanaya kuwo noolaada [waa mu’miniinta] ay noolaadaan xujo cad kaddib. Oo hubaashii, Allaah waa Maqal Badane, Cilmi Badan.
  43. [Xus] markii uu idin ku tusay Allaah riyadaadii [Muxammadow] gudaheeda [ciidammada gaalada] wax yar ahaan, haddii uu idiin tusi lahaa sida wax badan [ciidammadooda], hubaashii waa niyad jabi lahaydeen, oo aad ka doodi lahaydeen arrinka. Laakiinse Allaah baa [idin ka] dhowray, hubaashii [Allaah] waa og yahay waxa ku jira laabaha.
  44. Oo wuxuu idiin tusay markii aad kulanteen wax yar ahaan indhihiinna, wuxuuna idin ka yeelay inaad ugu muuqataan wax yar ahaan indhahooda, si uu Allaah u hirgaliyo arrin horay loogu gooyay [Cilmigiisa], xagga Allaah baana loo celiyaa umuuraha oo dhan.
  45. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haddii aad la kulantaan ciidan [cadaw ah] sugnaada, oo xusa Allaah in badan si aad u liibaantaan.
  46. Oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo ha isqabanina, yaydaan niyad jabine oo xooggiinnu tagin, oo sabra, hubaashii Allaah wuxuu la jiraa kuwa sabra.
  47. Oo ha noqonnina sidii kuwii ugasoo baxay guryahooda kibirka iyo istuska dadka, oo ka hor istaaga [dadka] jidka Allaah, oo Allaah waa koobay waxay camal falayaan.
  48. Oo [xus] markii uu u qurxiyay Shaydaanku camalladooda [xun] oo ka yeelay inay ugu muuqdaan wax wanaagsan oo yiri, “Ma jiraan wax idin ka adkaan kara maanta oo dad ah [dagaalkii Badar], aniguna waxaan ahay dariskiin [oo idiin la diyaar ahay hiil iyo hooba].” Markiise ay is arkeen labadii ciidan buu cararay oo dib u gurtay oo yiri, “Anigu bari baan idin ka ahay. Anigu waxaan arkaa wax aydaan arag. Anigu waxaan ka cabsanayaa Allaah, oo Allaah waa daran tahay ciqaabtiisu.”
  49. Markii ay lahaayeen munaafiqiintu iyo kuwa uu kaga jiro qalbiyadooda cudur [gaalnimo, shaki iyo waxa lamida], “Kuwaan [Muslimiinta ah] waxaa hodday diintooda.” Kiise tala saarta Allaah, hubaashii Allaah waa Awood Badane, Xikmad Badan.
  50. Oo haddii aad arki lahayd marka ay oofsanayaan [nafta ka qaadayaan] malaa’igtu kuwa gaaloobay [waqtiga dhimashadooda] iyagoo ka garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda, [iyagoo ku leh], “Dhadhamiya cadaabta wax gubta!” [waxaad arki lahayd wax wayn].
  51. Waxakani waa sababta wixii ay gacmihiinnu hormarsadeen, oo hubaashii Allaah ma aha mid dulmiya addoomahiisa.
  52. Waa caadadii iyo dhaqankii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay, waxay ku gaaloobeen Aayadihii Allaah, markaasuu Allaah u ciqaabay danbiyadoodii. Xaqiiqdii Allaah waa Xoog Badane, Ciqaab Daran.
  53. Taasina waa sidaas maxaa yeelay Allaah marnaba ma baddalo nicmad uu siiyay qolo jeer ay baddalaan waxa ku jira nafahooda. Oo xaqiiqdii Allaah waa Maqal Badane, Cilmi Badan.
  54. Waa caadadii iyo dhaqankii reer Fircoon iyo kuwii ka horreeyay, waxay beeniyeen Aayadahii Rabbigood, markaas baan ku halaagnay danbiyadoodii awgood, waxaana hafinnay qoomkii Fircoon, waxay ahaayeen kulligoodba daalimiin [mushrikiin, gaalo].
  55. Xaqiiqdii, kuwa u sharka badan noolayaasha dhulka ku socda Allaah agtiis waa kuwa gaaloobay oo aan rumaynin [Xaqa].
  56. Kuwa aad la gashay cahdiga ha yeeshee jabiya cahdigooda mar waliba, oo aan Allaah ka cabsan.
  57. Ee haddii aad libta kaga yeelato dagaalka oo ka adkaato u ciqaab si daran si aad ubaydidid kuwa ka dambeeya, waa intaasoo ay waantoobaan.
  58. Oo haddii aad [Muxammadow] uga cabsato qolo khiyaano, ugu tuur dib [cahdigooda si ay u ahaato] xaalado loo siman yahay [inaysan jirin wax cahdi ah dhexdiinna adiga iyo iyaga]. Xaqiiqdii Allaah ma jecla khaa’iniinta.
  59. Oo yaysan moodin kuwa gaaloobay inay naga baxsan karaan [Ciqaabtayada]. Xaqiiqdii marnaba ma kari doonaan inay ka badbaadiyaan naftooda [Ciqaabka Allaah].
  60. Oo u diyaarsada wixii aad kartaan oo xoog ah ayna kamid tahay fardaha dagaalka idinkoo ku bajinaya cadawga Allaah iyo kuwo kale oo la jira, oo aydaan idinku ogayn, Allaah baase og. Wixiina aad ku bixisaan Arrinka Allaah waa la idiin oofin doonaa, idinkoo aan la idin dulmin doonin.
  61. Oo haddii ay u iishaan [gaaladu] xagga nabadda, adigana sidoo kale u iilo, oo talo saaro Allaah. Xaqiiqdii waa Isaga Maqal Badanaha, Cilmiga Badan.
  62. Haddii ay damcaanna inay ku dhagraan, waxaa xaqiiqdii kugu filan Allaah, Waa Isaga Kan kugu xoojiya gargaarkiisa iyo mu’miniintaba.
  63. Oo wuxuu isu keenay oo isu soo dumay qalbiyadooda [waa mu’miniinta]. Haddii aad bixin lahayd waxa yaal dhulka oo dhan, ma aadan karteen inaad isu keento qalbiyadooda, laakiinse Allaah baa isu keenay oo isusoo dumay. Hubaashii Allaah waa Awood Badane, Xikmad Badan.
  64. Nabiyow [Muxammad] waxaa kugu filan Allaah, adiga iyo mu’miniinta ku raacdayba.
  65. Nabiyow [Muxammad] ku guubaabi mu’miniinta inay diriraan. Haddii ay idin kamid yihiin labaatan sabar iyo adkaysi leh, waxay ka adkaan doonaan labo boqol, haddiina ay jiraan boqol sabar iyo adkaysi leh, waxay ka adkaan doonaan kun kuwa gaaloobay ah, maxaa yeelay [gaaladu] waa qoom aan wax fahmayn.
  66. Haatan wuu idin ka khafiifiyay Allaah, maxaa yeelay wuxuu og yahay inaad tabar yari tihiin, ee haddii ay idin kamid yihiin boqol sabar iyo adkaysi leh, waxay ka adkaan doonaan labo boqol, haddiina ay jiraan kun idin kamid ah [oo sabar iyo adkaysi leh], waxay ka adkaan doonaan labo kun Allaah Idanki, oo Allaah wuxuu la jiraa kuwa sabra.
  67. Ma laha Nabi inuu lahaado maxaabiis dagaal [oo ku sii daayo madax furasho ka qaadasho] ilaa uu war jeefo, gowrac badanna ku sameeyo [cadawyadiisa] arlada dhexdeeda. Waxaad doonaysaan wanaagga adduunkan [waa lacagta madax furashada si loo xoreeyo qafaalka], wuxuuse Allaah [idinla] rabaa Aakhirada, oo Allaah waa Awood Badane, Xikmad Badan.
  68. Haddii uusan jireen qoraal hore oo xagga Allaah ah, waxaa idin ku taabi lahaa waxa aad qaadateen Cadaab Wayn.
  69. Ee cuna waxa aad hesheen oo qaniimo dagaal ah, oo xalaal wanaagsan ah, oo ka cabsada Allaah. Hubaashii Allaah waa Danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  70. Nabiyow! Ku dheh maxaabiista ku jira gacmahiinna, “Haddii Allaah ku og yahay wax khayr ah qalbiyadiinna, wuxuu idin siin doonaa wax ka khayr badan wixii la idin ka qaaday, waana idiin danbi dhaafi doonaa, oo Allaah waa Danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.”
  71. Haddiise ay doonaan inay ku khiyaameeyaan [Muxammadow] waxay khiyaameeyeen Allaah awal horaba. Markaas buu Wuxuu idin siiyay awood korkooda, oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  72. Xaqiiqdii, kuwa [Xaqa] rumeeyay oo soo haajiray oo kula jihaaday maalkooda iyo naftoodaba Arrinka Allaah iyo sidoo kale kuwa siiyay [iyaga] hoyaadka oo u hiilliyay, kuwakani [dhammaan] waa isu xulufo qaarkoodba qaarka kale. Xaggana kuwa [Xaqa] rumeeyay aanse usoo haajirin [xaggaaga Muxammadow] kaama saarna xil difaacid ah iyaga jeer ay soo haajiraan, haddiise ay idiin ku hiishadaan Diinta, waa idin ku waajib inaad usoo hiillisaan qoom aad heshiis la leedihiin ma’ahee, oo Allaah waxa aad falaysaan waa Arkaa.
  73. Oo kuwaa gaalada ahi waa xulufo isu gargaara qaarkoodba qaarka kale, haddii idinkuna [Muslimiinta adduunka jooga oo dhammi] aydaan falin sidaas [macnaha waa noqon xulufo bah kaliya ah oo isku duuban, sida hal dhismo oo is haysta oo leh hal Khaliifah, madaxwayne Muslim ah oo u dhexeeya dhammaan dunida Muslimka si aad uga yeeshaan mid guulaysata Diinta Allaah ee Islaamka], waxaa jiri doona fitna [dagaallo, duullaamo, shirki iyo wax lamida] iyo dulmi iyo gardarro iyo aabi dhulka korkiisa ah, fasahaad wayn, iyo dhaqan xumo [is dil, zino, boob, dhac iyo wax lamida].
  74. Kuwa [Xaqa] rumeeyay, oo soo haajiray oo ku jihaaday Jidka Allaah, iyo sidoo kale kuwa siiyay hoyaadka oo u hiilliyay, waa kuwaas mu’miniinta dhabta ah, waxay leeyihiin danbi dhaaf iyo rizqi wanaagsan [Janno].
  75. Kuwase [Xaqa] rumeeyay waa dambe, oo soo haajiray oo ku jihaaday la jirkiin [Jidka Alle] kuwaasuna waa idin kamid. Qaraabada ayaase isaga dhow qaarkoodba qaarka kale xagga dhaxalka Kitaabka Allaah gudahi. Xaqiiqdii Allaah waa Ogsoonaha wax walba.

Suuradda 9aad: At-Tawba [Toobada]

  1. Tani waa ka barii ahaansho [dhammaan] wixii cahdiyo ah [oo la idin ka ogaysiiyay] xagga Allaah iyo Rasuulkiisa oo ku socota kuwa ka midka ah mushrikiinta ee aad la gasheen heshiiska.
  2. Ee ku mara dhulka xurriyad [mushrikiintoy] muddo afar bilood ah [meeshii aad doontaanba], ogaadase inaydaan ka baxsanayn [Ciqaabka Allaah], oo xaqiiq, Allaah waa dufayn doonaa gaalada.
  3. Waana ogaysiis kasoo baxay Allaah iyo Rasuulkiisa oo ku socda dadka maalinta Iidwaynta Xajka [Maalinta tobanaad ee bisha Arrafada] inuu Allaah barii ka yahay [dhammaan] heshiisyadii lala lahaa mushrikiinta waana sidaa oo kale Rasuulkiisu, ee haddii aad idinku [mushrikiintoy] toobad keentaan, waa sida idin khayr badan, haddiise aad jeesataan, ogaada inaydaan ka baxsanayn [Ciqaabka] Allaah, oo ugu bishaaree [Muxammadow] gaalada cadaab xanuun badan.
  4. Waxaan ahayn kuwaa mushrikiinta ah ee aad la gasheen cahdiga, oo aan markaas idiin dhimin waxba, cidnana idiin lasoo safan lidkiin, ee u oofiya cahdigooda ilaa dhammaadka muddadooda. Hubaashii Allaah waa jecel yahay kuwa u hoggaansan amarradiisa oo ka jooga xumaha.
  5. Markiise ay Bilaha Xurmadda leh [Muxarram, Rajab, Dul-Qacdah iyo bisha Xajka Arrafo] baxaan, laaya mushrikiinta meeshii aad ka heshaanba, oo qabqabta oo gabagabeeya, oo u fariista suryo walba. Haddiise ay toobad keenaan oo u oogaan salaadda si wanaagsan, oo bixiyaan Zakada, markaa uga leexda jidkooda. Xaqiiqdii, Allaah waa Danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  6. Oo haddii uu qof kamid ahi mushrikiinta idin waydiisto magan galin magan galiya tan iyo inta uu ka maqlo hadalka Allaah [Qur’aanka], kaddib ku dar ciidan gaarsiiya halka uu ku heli karo nabadda, taas waxaa ku wacan waa qoom aan wax ogayn.
  7. Sidee bay ugu ahaan kartaa cahdi Allaah agtiis iyo Rasuulkiisa mushrikiinta aan ahayn kuwa aad kula gasheen cahdiga Al-Masjid Al-Xaraam [ee ku yaal Makkah] agtiisa? Intii ay idiin toosnaadaan, idinkuna u toosnaada. Xaqiiqdii, Allaah waa jecel yahay kuwa u hoggaansan amarradiisa oo ka dhowrsada xumaha.
  8. Sidee [ugu ooli karaa cahdigaa oo kale] iyagoo markii ay idin ka awood bataan, aysan dhowrin wax xiriir ah ahaayayaa mid wada dhalasho [qaraabannimo] ama cahdi aad leedihiin midna? Waxay idin ku raalli galiyaan [hadallo wanaagsan] oo afafkooda ah, qalbiyadooduse waa diidaan, badankooduna waa faasiqiin.
  9. Waxay siistaan Aayadaha Allaah qiimo yar, markaas bay ka hor istaagaan dadka Jidka Allaah. Xumaa waxa ay falayaan.
  10. Uma dhowraan mu’min dhalasho [qaraabannimo] ama cahdi midna. Waana kuwaas kuwa ah xad gudbayaasha.
  11. Haddiise ay toobad keenaan oo u oogaan salaadda si wanaagsan oo bixiyaan Zakada waa walaalihiin diinta. Waxaana u faahfaahinnaa Aayadaha qoomkii wax garanaya.
  12. Haddiise ay jabiyaan dhaarahooha cahdigoodii kaddib, oo ay duraan diintiinna, markaa la dirira hoggaamiyayaasha kufriga waa kuwaan dhaar lahayne bal inay joojiyaan [falalka xun].
  13. Oo mawaydaan la dirirayn qoom jabiyay dhaarahooda [mushrikiintii Carbeed] oo ku hammiyay [doonay] inay saaraan Rasuulka, oo iyagu idin ku billaabay weerarka awal hore? Miyaad ka baqaysaan? Allaah baa mudan inaad ka baqdaan haddii aad tihiin mu’miniin.
  14. La dirira, sidaas darteed Allaah wuxuu ku cadaabayaa gacmihiinna oo dufayn oo idiin gargaari oo caafin laabaha qoom mu’miniin ah.
  15. Oo ka saarayaa ciilka [mu’miniinta] qalbiyadooda. Wuxuuna Allaah ka toobad aqbalayaa kii uu doono, oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  16. Mise waxaad mooddeen in la idiin ka tagayo sidiinna isagoo uusan Allaah muujin kuwiinna idin kamid ah ee jihaaday oo aan ka dhigan wax kasoo haray Allaah iyo Rasuulkiisa iyo mu’miniinta waliijah [gargaarayaal, la taliyayaal, gacallo iyo sokeeye], oo Allaah waa u Xog ogaal waxa aad falaysaan.
  17. Ma laha mushrikiinta inay camiraan masaajidda Allaah [macnaha waa inay ku tukadaan oo ku caabudaan Allaah dhexdooda] iyagoo ku qiraya nafahooda gaalnimo. Kuwaas waxaa buray camalladooda, Naarta gudaheeda bayna ku waarayaan.
  18. Waxaa uun camira Masaajidda Allaah kuwa rumaysan Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhiro], oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Zakada oo aan ka baqin axadna Allaah maahee. Waa iyaga kuwaas kuwa la rajaynayo inay ku sugnaadaan hanuun dhab ah.
  19. Ma waxaad kala mid dhigteen waraabinta xujayda iyo camiraadda Al-Masjid Al-Xaraam [ee ku yaal Makkah] sida kuwa rumeeyay Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhiro] oo ku jihaada Jidka Allaah? Ma aha kuwo siman Allaah agtiis. Oo Allaah ma hanuuniyo qoomka ah daalimiinta.
  20. Kuwa [Xaqa] rumeeyay oo soo haajiray oo kula jihaaday Jidka Allaah maalkooda iyo nafahooda baa darajo wayn Allaah agtiis, waana kuwaas kuwa liibaanay.
  21. Wuxuu ugu bishaaraynayaa Rabbigood Naxariis xaggiisa ah, iyo Raalli ahaansho iyo beero [Janno] ay leeyihiin oo ay dhexdooda yihiin barwaaqooyin ma guuraan ah.
  22. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood. Xaqiiqdii, Allaah agtiis waxaa yaal Abaal Wayn.
  23. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haka dhiganina awliyaa [sokeeye, xigaalo, gacallo] aabbayaashiin iyo walaalihiin haddii ay ka jeclaadaan gaalnimo Iimaanka. Kiina idin kamid ah oo ka yeesha sokeeye, kuwaas waa iyaga daalimiinta [xumaan falayaasha].
  24. Dheh, “Haddii aad aabbayaashiin, carruurtiinna, walaalihiin, xaasaskiinna, xigtadiinna, maalka aad tacbateen, ganac aad uga baqaysaan baarid [iibsi la’aan], iyo guryo aad ka raalli tihiin ay idin kala wayn yihiin oo ka jeceshihiin Allaah iyo Rasuulkiisa, iyo u jihaadidda Jidkiisa, marka suga inta Allaah kala imaanayo Arrinkiisa [Cadaab], oo Allaah ma hanuuniyo qoomka ah faasiqiinta.”
  25. Wuxuu dhabtii Allaah idin ku gargaaray goobo dagaal oo badan, Maalintii [dagaalkii] Xunaynna markii aad u bogteen tiro badnaantiinnii ha yeeshee idiinma tarin waxba dhulkuna wuxuu ballaar lahaa, idin ku ciriiryoomay, markaasna aad jeedsateen idinkoo carar ah.
  26. Wuxuuna Allaah kusoo dajiyay sakiinadiisa [xasillooni, degganaan, iyo sugnaan] Rasuulkiisa [Muxammad] iyo mu’miniintaba, oo soo diray ciidammo [malaa’ig ah] aydaan arkayn, oo ciqaabay kuwii gaaloobay. Waana sidaas jaazada gaalada.
  27. Wuxuuna Allaah ka toobad aqbalaa intaas kaddib ciddii uu doono, oo Allaah waa Danbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  28. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Xaqiiqdii mushrikiintu sidoodaba waa najaaso [fadaro] ee yaysan usoo dhowaan Al-Masjid Al-Xaraam [ee ku yaal Makkah] sannadkan kaddib, haddiina aad ka baqdaan faqri, Allaah baa idin ka hodmin doona Deeqdiisa haddii uu doono. Hubaashii, Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  29. La dirira kuwa aan rumaysnayn Allaah, iyo Maalinta Dambe [Aakhiro] aan xaaraamayn waxa ay xarrimeen Allaah iyo Rasuulkiisu oo aan ka diin dhiganayn diinta xaqa ah [waa Islaamka] oo ah kuwa ehlu Kitaabka ah [Yuhuudda iyo Nasaarada], ilaa ay dhiibaan Jizyada iyagoo hoggaansan, oo ka dareemaya naftooda liidasho.
  30. Waxay Yuhuuddu yiraahdaan, “Cuzayr waa wiilkii Allaah,” Nasaaraduna [Kirishtahu] waxay yiraahdaan, “Masiixu [Ciisaa] waa wiilkii Allaah.” Waxaasi waa hadalkooda ay ka yiraahdaan afafkooda. Waxayna shabbahaan hadalkii gaaladii awal hore. Lacnad Allaah ha ku dhacdo, xaggee looga jeedinayaa xaqa.
  31. Waxay [Yuhuudda iyo Nasaarada] ka dhigteen culimadoodii iyo suufiyadoodii rabbiyo Allaah sokadi [inay ku adeeceen darteed waxyaalo ay uga yeeleen xalaal ama xaaraan si waafaqsan hawadooda iyagoo aan laga amrin xagga Allaah], waxayna [sidoo kale ka dhigteen sida Rabbigood] Masiix [Ciisaa] ina Maryam, halka iyaga [Yuhuudda iyo Nasaarada] ay ahaayeen kuwo lagu amray [Towraadda iyo Injiilka] inayan caabudin axadna Ilaah Mid ah maahee [Allaah] ma jiro ilaah xaq u leh in la caabudo Isaga maahee. Waa ka Nazahan yahay [oo ka sarreeyaa] ilaahyada baadilka ah ay wax la wadaajiyaan.
  32. Waxay [mushrikiinta, Yuhuudda iyo Nasaarada] rabaan inay ku damiyaan Nuurka Allaah [ee Muxammad lalasoo diray, Qur’aanka] afafkooda, ha yeeshee Allaah ma oggolanaayo waxaan ahayn inuu taam yeelo Nuurkiisu, gaaladu haba necbaysteene.
  33. Waa [Allaah] Kan lasoo diray Rasuulkiisa [Muxammad] hanuunka iyo diinta xaqa ah [Islaamka], si uu uga kor mariyo diimaha oo dhan, mushrikiintu haba necbaysteene.
  34. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Xaqiiqdii waxaa jira in badan oo kamid ah culimada [Yuhuudda] iyo baadariyaasha [Nasaarada] oo ku cuna maalka dadka baadil [xaq darro] oo ka hor istaaga [dadka] Jidka Allaah [waa diinta Allaah ee Xaqa ah]. Kuwaasi kaydsadana dahabka iyo qalinka [kanzi waa lacagta aan zakada laga bixin], oo aan wax ku bixin Jidka Allaah, ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
  35. Maalinta [kaydkaa lacag, dahab iyo qalin aan zakada laga bixin] lagu kululayn doono Naarta oo lagu kaawiyadayn [gubi] doono wajiyadooda iyo dhinacyadooda iyo dhabannadooda, [waxaana lagu oran doonaa] “Waxakanu waa waxaad u kaydiseen naftiinna ee dhadhamiya wixii aad kaydsan jirteen.”
  36. Xaqiiqdii, tirada bilaha Allaah agtiis waa labo iyo toban bilood [sannadkii] sidaa bay ahayd sidii uu qoray Allaah tan iyo maalintii uu abuuray cirarka iyo dhulka, waxaa kamid ah afar [bilood] oo xurmad gaara leh [waa bisha Muxarram, Rajab, Dulqacdah, Xajka Arrafo]. Sidaas baa ah diinta toosan, ee haku dulmina nafahiina dhexdooda, oo la dirira mushrikiinta wadajir sida ay idiinla dirirayaan wadajir. Oo ogaada in Allaah uu la jiro kuwa u hoggaansan amarradiisa oo ka dhowrsada xumaha.
  37. Dib u dhigidda [bil caaggan oo xurmo gaara leh] waa uun gaalnimo dheeraad ah, laguna baadiyeeyay kuwa gaaloobay, waxay ka dhigaan waxaan caagganayn oo bannaan sannad oo caaggan sannad kale si ay isugu toosiyaan tirada bilaha uu caagay [u yeelay xurmad gaara Allaah] oo ka yeelaanna kuwa caaggan ee xurmadda gaar ah leh wax bannaan. Waxaa loo qurxiyay camalladoodii xumaa, oo Allaah ma hanuuniyo qoomka gaalada ah.
  38. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Maxaad leedihiin, oo markii la idin ka dalbo inaad u baxdaan Arrinka Allaah [Jihaadka] aad isagu dhajisaan si culus dhulka? Ma waxaad ku raalli noqoteen nolosha adduunkan halkii Aakhirada? Oo ma aha raaxada nolosha adduunka marka loo barbar dhigo Aakhirada wax yar mooyee.
  39. Haddii aydaan u bixin [jihaad] wuxuu Allaah idin ku cadaabi doonaa cadaab xanuun badan oo idin ku beddeli doonaa qoom kale, waxnana kama dhimaysaan Allaah sinnaba, oo Allaah wax walba waa Karaa.
  40. Haddii aydaan [Muxammad] u gargaarin [waxba ma aha], waayo Allaah baa dhabtii ugargaaray markii ay usoo bixiyeen dibadda kuwii gaaloobay, kan labada labeeya, markii ay iyagu [Muxammad iyo Abuu Bakar] ku jireen gabiga, isagana ku lahaa saaxiibki [Abuu Bakar] “Ha murugoon [oo ha baqin] hubaashii Allaah baa nala jira.” Markaas buu Allaah kusoo dajiyay sakiinadiisa [xasillooni, dagganaan, nabad] korkiisa, oo ku xoojiyay ciidammo [malaa’ig] aydaan arkayn, oo ka yeelay kalmadda kuwa gaaloobay tan hoosaysa, Kalmadda Allaahna tan sarraysa, oo Allaah waa Awood Badane, Xikmad Badan.
  41. U baxa [jihaad] idinkoo fudud [caafimaad qaba, dhallin yaro ah iyo hodan] iyo idinkoo culusba [jirran, da’ ah iyo sabool], oo kula jihaada maalkiinna iyo nafahiinnaba Jidka Allaah. Sidaas baa idiin khayr badan, haddii aad og tihiin.
  42. Haddii ay ahaan lahayd dheef dhow [qaniimo ka horraysa] iyo safar fudud, waa ku raaci lahaayeen, laakiinse tubta [duullaankii Tabuuk] baa ku dheerayd, oo waxay ku dhaaran doonaan Allaah, “Haddii aan karayno hubaashii waa idin lasoo bixi lahayn.” Waxay halaagayaan naflooda, oo Allaah wuu og yahay inay yihiin beenaalayaal.
  43. Allaah danbigaaga ha dhaafee [Muxammadow], maxaad usiisay idanka [inay dib ku haraan? Waxay ahayd inaad ku adkaysato amarkaagii inay wax kasoo aadaan Jihaadka], ilaa ay kaaga caddaato kuwa runta sheegaya, oo aad ka ogaato beenaalayaasha.
  44. Kuuma waydiisanayaan idan kuwa rumaysan Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhiro] si looga dhaafo ku dirirka maalkooda iyo nafahooda, oo Allaah waa yaqaan kuwa u hoggaansan amarradiisa oo ka dhowrsada xumaha.
  45. Ee waxaa ku warsanaya idankaaga [si looga dhaafo jihaadka] kuwa aan rumaysnayn Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhiro] iyo kuwa qalbiyadooda ay ku sugan yihiin shaki. Waxayna ku noqnoqonayaan [oo ku jaha wareersan yihiin] shakiyadooda.
  46. Oo haddii ay dooni lahaayeen inay u baxaan [Jihaad], hubaashii waa u qalab diyaarsan lahaayeen, laakiinse Allaah wuxuu nacay bixiddooda, markaas buu wahsi galiyay oo ka yeelay inay ku haraan gadaal, waxaana lagu yiri, “La fadhiya dhexdooda inta fadhida [guryaha].”
  47. Haddii ay idin la bixi lahaayeen, idiin ma kordhiyeen waxaan ahayn nidaam darro [iyo fashal] waxayna u dagdagi lahaayeen fasaadinta dhexdiina iyagoo idin la doonaya fidno, waxaana idin ku jira kuwo dhagaysta, oo Allaah waa yaqaan daalimiinta.
  48. Waxay dhabtii idin la dooneen fitno awal hore, oo kuu rogeen umuuraha, jeer xaqii [guushii] timid oo Amarkii Allaah [Diintiisa, Islaamka] noqotay mid cad oo muuqata iyagoo nacaya aan raalli ka ahayn.
  49. Waxaana kamid ah mid oran, “Ifasax oo ha ifitnayn.” Waxayse ku dhaceen fitno. Oo hubaashii Naar baa ku hareersan oo koobta gaalada.
  50. Haddii samaani ay ku hesho [Muxammadow], waa murugo galisaa, haddiise musiibo ay ku asiibto, waxay yiraahdaan, “Waxaan qaadannay digtoonidayada goor hore,” waxayna jeesadaan iyagoo faraxsan.
  51. Dheh, “Waxba naguma dhici doonaan wixii Allaah noo qoray maahee. Isagaa ah Mawlaanaa [Rabbigayo, Gargaarahayaga, Ilaaliyahayaga iyo Gacalkayaga].” Oo Allaah ha tala saarteen mu’miniintu.
  52. Dheh, “Ma waad nala sugaysaan waxaan ahayn labada wanaagsan middood [guul ama geeri shahiidnimo] halka aan idinla sugayno inuu Allaah idin ku asiibo ciqaab Xaggiisa ah ama gacmahayaga ah, ee suga innaguna waa idinla sugaynaaye.”
  53. Dheh, “Wax ku bixiya [Arrinka Allaah] raalli ahaan [doonis] ama kahasho [doonis la’aan], la idinkama aqbali doono [waa munaafiqiinta]. Xaqiiqdii, waxaad tihiin qoom faasiqiin ah.”
  54. Oo waxna uma diidin in laga aqbalo wax bixintooda aan ka ahayn inay ku gaaloobeen Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad], oo ma yimaadaan salaadda iyagoo wahsanaya maahee, oo wax ma bixiyaan [sadaqo] iyagoo kahanaya maahee.
  55. Ee yaysan ku cajab galin [Muxammadow] maalkooda iyo carruurtoda, wuxuu Allaah doonayaa inuu ku cadaabo nolosha adduukan, iyo in nafahoodu baxdo [dhintaan] iyagoo gaalo ah.
  56. Waxay ku dhaaranayaan Allaah inay idin kamid yihiin, mana idin kamid aha, laakiinse iyagu waa qoom [munaafiqiin ah] ka cabsan [inaad laysaan].
  57. Haddii ay heli lahaayeen magan ama gabiyo, ama meel ay galaan, waxay ka aadi lahaayeen horay halkaa iyagoo isku kabaal qaadaya [ku dagdagaya].
  58. Oo waxaa kamid ah qaar kugu eedeeya [Muxammadow] arrinka la xiriira [qaybinta] sadaqooyinka. Haddii wax laga siiyo raalli noqda, haddiise aan wax laga siin mise waaba caraysan yihiin.
  59. Haddii ay raalli ku noqon lahaayeen waxa ay Allaah iyo Rasuulkiisu siiyeen oo oran lahaayeen, “Allaah baa nagu filan. Allaah baa wax naga siin doono Fadligiiisa, oo [sidoo kale] Rasuulkiisa [baa wax naga siin doona zakada iyo wixi lamida]. Innagu Allaah uun baan wax ka doonaynaa,” [waa sida u khayr badnaan lahayd].
  60. Sadaqooyinka [halkaan waxaa loola jeedaa Zakada] waxaa iska leh oo kaliya fuqarada iyo masaakiinta iyo kuwaa loo howl galiyay inay soo ururiyaan [zakada], iyo kuwaa loosoo dumayo quluubtooda oo usoo janjeeray [xagga Islaamka], iyo in lagu xoreeyo addoomaha, oo waxaa leh daymaysanaayasha, Arrinka Allaah iyo tub ku joogaha, waa xil iyo waajib uu farad yeelay Allaah, oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  61. Oo waxaa kamid ah rag dhiba Nabiga [Muxammad] oo dhaha, “Wuxuu [u raariciyaa] dhegtiisa [war kasta].” Dheh, “Wuxuu dhagaystaa wax idiin roon,” wuxuu rumaysan yahay Allaah, oo aaminka ku qabaa mu’miniinta, oo waa u naxariis [raxmad] kuwiinna idin kamid ah ee [Xaqa] rumeeyay. Kuwase dhiba Rasuulka [Muxammad] waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.
  62. Waxay idiin ku dhaaranayaan Allaah si ay idiin raalli galiyaan, ha yeeshee waxaa habboon oo la gudboon inay raalli galiyaan Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad], haddii ay yihiin mu’miniin.
  63. Mawaysan ogayn in kii khilaafa oo u muujiyo nacayb Allaah iyo Rasuulkiisa hubaashii isagu leeyahay Naarta dabka ah uu ku waarayo gudaheeda, taasi waa dufowga wayn.
  64. Munaafiqiintu waxay ka baqaan in lagusoo dajiyo suurad [Qur’aanka kamid ah], oo uga warramaysa waxa ku jira quluubtooda. Dheh, “Iska jeesjeesa! Wuxuu dhabtii Allaah soo bixin doonaa waxa aad ka baqaysaan.”
  65. Oo haddii aad wax ka waydiiso [arrintan] xaqiiq waxay oranayaan, “Waan oo kaliya iska hadlaynay hadal iska afka uun ah uurka aan jirin oo iska cayaaraynay [kaftamaynay].” Dheh, “Ma wuxuu ahaa Allaah iyo Aayaadkiisa iyo Rasuulkiisa waxa aad ku jeesjeesayseen?”
  66. Ha cudurdaarrannina, waad gaaloowdeen kaddib markii aad rumayseen. Haddii aan cafinno qaarkiin, waxaan ciqaabi doonnaa qaar kale oo idin ku jira maxaa yeelay waa danbiilayaal.
  67. Munaafiqiintu rag iyo haweenba, waa is leeyihiin qaarkoodba qaarka kale, waxay amraan [dadka] munkar [shirki, gaalnimo iyo dhammaan waxa uu Islaamku reebay], oo ka reebaan [dadka] macruuf [Towxiidka iyo dhammaan waxa Islaamku amro qofi inuu falo oo camallo wanaagsan ah], waxayna ka xirtaan gacmahooda dhiibidda [wax ku bixinta Arrinka Allaah, zakada, sadaqada iyo wixi lamida]. Waxay hilmaameen Allaah, markaas buu Isaguna hilmaamay. Xaqiiqdii munaafiqiintu waa iyaga faasiqiinta.
  68. Allaah wuxuu u yaboohay munaafiqiinta iyo munaafiqooyinka iyo gaaladaba Naarta Jahannama iyagoo ku waaraya gudaheeda, iyada baa ku filan oo Allaah waa lacnaday, oo waxay leeyihiin cadaab ma guuraan ah.
  69. Sidii kuwii idin ka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo idin ka xoog badan, oo idin ka badan maal iyo carruurba. Waxay ku raaxaysteen saamigoodii xoogaa muddo ah, idinkuna ku raaxaysateen saamigiinnii xoogaa muddo ah sidii ay kuwii idin ka horreeyay ugu raaxaysteen in xoogaa muddo ah, waxaadna ku tiinbateen cayaar iyo maddadaallo [iyo ka sheegidda been Allaah iyo Rasuulkiisa Muxammad] sidii ay iyagu ugu tiinbadeen cayaar iyo madaddaalo. Kuwaas waxaa buray camallaadooda adduun iyo Aakhiraba. Waana kuwaas kuwa khasaaray.
  70. Ma waysan soo gaarin qisadii kuwii ka horreeyay? Qoomkii Nuux, Caad, Thamuud, qoomkii Ibraahiim, qolooyinkii Madyan iyo magaalooyinkii la daba gaddiyay [qoomkii Luud], waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cadcad. Ma uusan ahayn Allaah Kan dulmiyay, laakiinse iyaga baa nafahooda dulmiyi jiray.
  71. Mu’miniintu rag iyo haweenba, waa u awliyaa [sokeeye, gargaarayaal, gacallo] qaarkoodba qaarka kale, waxay amraan [dadka] macruuf [Towxiidka iyo dhammaan waxa uu Islaamka amro qofi inuu falo oo camallo wanaagsan ah], waxayna ka reebaan [dadka] munkar [shirkiga iyo gaalnimada, iyo dhammaan waxa Islaamku xaaraameeyay], waxay u oogaan salaaddooda si wanaagsan, oo bixiyaan Zakada oo adeecaan Allaah iyo Rasuulkiisa. Kuwaas Allaah waa u naxariisan doonaa. Hubaashii Allaah waa Awood Badane, Xikmad Badan.
  72. Allaah wuxuu u yaboohay mu’miniinta rag iyo haweenba, beero ay wabiyadu hoos qulqulayaan ay ku waarayaan gudaheeda waligood, iyo guryo san oo ku yaal beeraha nagaadiga [Jannati Cadni]. Raalli ahaanshaha xagga Allaah ah baa kasii wayn [oo u dheer]. Taas baa ah Liibaanta Wayn.
  73. Nabiyow [Muxammad]! La jihaad gaalada iyo munaafiqiinta, oo ku qallafsanow, hoygooduna waa Naar, oo aayo xun.
  74. Waxay ku dhaaranayaan Allaah inaysan oran [wax xun], waxayse xaqiiqdii yiraahdeen kalmad gaalnimo ah waxayna gaaloobeen islaamiddoodii kaddib, waxayna go’aan ku gaareen waxaa [qooliddii ahayd inay dilaan Nabi Muxammad] ay ahaayeen kuwo aan karin inay fuliyaan, mana heli karin sababna ay sidaa u yeelaan aan ka ahayn in Allaah iyo Rasuulkiisu ay ka hodmiyeen Deeqdiisa. Haddii ay toobad keenaan iyaga bay u roon tahay, haddiise ay jeesadaan, wuxuu Allaah ku cadaabi doonaa cadaab xanuun badan adduunka iyo Aakhiradaba. Kumana laha dhulka korkiisa wax wali ah [ilaaliye, difaace] ama gargaare.
  75. Oo waxaa kamid ah kuwo la galay cahdi Allaah [iyagoo leh], “Haddii uu ku galladaysto korkayaga Deeqdiisa, waxaan xaqiiqdii ku bixin doonnaa Sadaqo [zakada waajibka ah iyo sadaqo aan waajib ahayn Arrinka Allaah] waxaana hubaashii kamid ahaan doonnaa inta wanaagsan.
  76. Markiise uu wax ka siiyay Deeqdiisii waa ku bakhayleen [oo diideen inay bixiyaan sadaqada, zakada waajibka ah] waxayna jeesadeen iyagoo diidaya.
  77. Markaas buu [Allaah] ku ciqaabay galinta munaafaqnimo qalbiyadooda ilaa maalinta ay la kulmayaan, ballan furkoodii iyo beenintoodii darteed.
  78. Ma waysan ogayn inuu Allaah og yahay sirtooda iyo faqoodaba iyo in Allaah yahay kan ogsoon cilmi Ghaybka [waxa qarsoon oo aan muuqan]?
  79. Kuwa ku caaya kuwaa mu’miniinta ah sadaqada iskood ah ay ku bixiyaan [Arrinka Allaah], iyo kuwa aan heli karin waxaan ahayn dadaalkooda [oo wax ku bixiya] oo markaa ku jeesjeesa iyaga [mu’miniintaa], Allaah baa ku jeesijeesi doona [gaalada iyo munaafiqiintaba], oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.
  80. Haddii aad adigu [Muxammadow] u barido danbi dhaaf iyaga [munaafiqiinta] iyo haddii aadan danbi dhaaf u baryinba [iyo waliba] haddii aad u barido toddobaatan jeer in loo danbi dhaafo, Allaah uma danbi dhaafi doono, maxaa yeelay waxay ku gaaloobeen Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad], oo Allaah ma hanuuniyo qoomka ah faasiqiinta.
  81. Waxay ku farxeen kuwii ka haray [duullaankii Tabuuk] inay gadaal uga hareen Rasuulkii Allaah, waxay naceen inay kula jihadaan oo diriraan maalkooda iyo nafahooda Arrinka Allaah, waxay yiraahdeen, “Haku bixina kulaylka.” Dheh, “Naarta Jahannama baa sii kulayl daran,” haddii ay wax garanayaan.
  82. Ee ha qosleen wax yar, waxay ooyi doonaan wax badan jaazayn ahaan wixii ay kasban jireen [oo danbiyo ah].
  83. Haddii uu kuusoo celiyo Allaah qaar iyaga kamid ah [munaafiqiinta], oo ay waydiistaan idankaaga inay soo baxaan [inay diriraan] dheh, “Waligay ilama bixi doontaan, iilamana dagaal gali doontaan cadow la jirkay, waxaad raalli ku noqoteen inaad fariisataan markii horaba, ee la fadhiya inta ku harta gadaal.”
  84. Ee [Muxammadow] haku tukan [salaad janaazo] waligaa midkood walba oo kamid ah [munaafiqiinta] oo dhinta [isagoo munaafiq gaal ah], oo ha is dul taagin qabrigiisa. Waxay hubaashii ku gaaloobeen Allaah iyo Rasuulkiisa oo dhinteen iyagoo ah faasiqiin.
  85. Oo yaysan ku cajab galin maalkooda iyo carruurtoodu. Wuxuu Allaah doonayaa inuu ku cadaabo adduunka iyo inay nafahooda baxdo [dhintaan] iyagoo gaalo ah.
  86. Oo markii lasoo dajiyo suurad [kamid ah Qur’aanka], oo amraysa inay rumeeyaan Allaah iyo inay jihaadaan oo diriraan la jirka Rasuulkiisa, kuwooda hodonka ahi ee kamid ah waxay waydiistaan Idankaaga si aad uga dhaafto iyaga [Jihaadka] oo yiraahdaan, “Nooga tag [gadaal], waxaan ahaanaynaa la jirka kuwaa fadhiya [guryaha].”
  87. Waxay ku raalli noqdeen inay ahaadaan la jirka kuwaa [haweenka] ee fariista gadaal [guryaha]. Qalbiyadooda waxaa laga daboolay [wixii wanaag ah iyo hanuun toosan], marka waxba ma fahmaan.
  88. Laakiin Rasuulka [Muxammad] iyo kuwa la rumeeyay [Xaqa] waxay kula jihaadaan oo kula diriraan maalkooda iyo nafahooda [kor yeelidda Arrinka Allaah]. Kuwaas weeyaan kuwa ay u sugnaatay waxyaalaha wanaagsan ee khayraadka ah, kuwaasuna waa kuwa liibaanay.
  89. Wuxuu Allaah u diyaarshay beero [Janno] ay hoostoodu wabiyadu qulqulayaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood. Taas baa ah Liibaanta Wayn.
  90. Waxaana kuu yimid [Nabiyow] kuwii cudurdaaranayay ee kamid ahaa reer miyiga iyagoo ku waydiisanaya Idankaaga si looga dhaafo [ka qayb galka jihaadka], waxaana haray oo fariistay [guryaha] kuwii u sheegay beenta Allaah iyo Rasuulkiisa [iyagoon u waydiisan Idan iyada], waxaana ku dhici doona kuwii gaaloobay oo kamid ah cadaab xanuun badan.
  91. Wax eed ah ma saarna korkooda kuwa tabarta yar ama bukaanka ah, ama kuwa aan heli karin wax ay ku bixiyaan dagaalka [Jihaadka Jidka Allaah] haddii ay u yihiin daacad [xil ahaan] Allaah iyo Rasuulkiisa. Ma jirto jid [eed loo jeedin karaa] oo lagu ahaan karo muxsiniinta [sama falayaasha]. Oo Allaah waa Danbi Dhaaf Badane. Naxariis Badan.
  92. Oo ma [saarna eed] kuwii kuu yimid si loo siiyo gaadiid, markiina aad tiri, “Idiin ma heli karo wax gaadiid ah aan idin ku qaado,” dib u jeesaday iyagoo indhahooda ay ka qubanayso ilmo murugo darteed inaysan heli karin wax uun ay ku bixiyaan [Jihaadka].
  93. Ee waxaa jid [eedayn ah] lagu leeyahay oo kaliya kuwaa hodanka ah oo sidaa oy tahay waydiista ka dhaafid [Jihaadka]. Waxay ku noqdeen raalli inay la jiraan [haweenka] ku hara [gadaal guryaha]. Oo Allaah waa ka daboolay qalbiyadooda [khayrka iyo hanuunka] marka ma ay oga [waxa ay waayayaan].
  94. Waa ay idiin cudur daaranayaan [munaafiqiintu] idinka [Muslimiinta ah], marka aad u noqotaan. Dheh [Muxammadow], “Ha cudurdaaranina, idin rumaysan maynee. Waxaa dhabtii nooga warramay Allaah arrimahiinna, Allaahna wuu arki doonaa camalladiinna iyo Rasuulkiisuba. Waxaana la idiin celin doonaa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqda [Allaah], markaasuu wuxuu idiin ka warrami doonaa waxaad camal falayseen.”
  95. Waxay idiin ku dhaaran doonaan Allaah marka aad u laabataan si aad uga jeesataan, ee isaga jeesada waa qurune, hoygooduna waa Naar, ka abaal marin waxay kasbanayeen.
  96. Waxay [munaafiqiintu] idiin ku dhaaran doonaan [Allaah] si aad uga raalli noqotaan, haddiise aad ka raalli noqotaan, hubaashii Allaah kama raalli noqdo qoomka faasiqiinta ah.
  97. Reer miyiga waa kuwa ugu daran gaalnimo iyo munaafiqnimo ahaan, oo ay aad ugu dhowdahay inay kaga sugan yihiin jahli xuduudaha waxa [Amarrada iyo Xeerarka Sharciga iyo wixi lamida] uu Allaah kusoo dajiyay Rasuulkiisa, oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  98. Oo reer miyiga waxaa kamid ah kuwo u arka waxa ay ku bixinayaan [Arrinka Allaah] ganaax [xumayn ama eedsiis] oo kale oo idin la eegta musiibado, dushooda ha ahaato musiibada wareegta. Oo Allaah waa Maqal Badane, Cilmi Badan.
  99. Oo reer miyiga waxaa kamid ah kuwo rumaysan Allaah iyo Maalinta Dambe [Aakhiro], oo ka yeesha waxa ay ku bixinayaan Arrinka Allaah u dhawaansho xagga Allaah, iyo sabab ay ku mutaan ducooyinka Rasuulka, waana u dhawaansho. Allaah wuxuu galin doonaa Naxariistiisa. Hubaashii Allaah waa Danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  100. Kuwii ku dheereeyay [khayrka] oo kamid ah muhaajiriinta [kuwii kasoo haajiray Makkah oo usoo haajiray Madiinah] iyo Ansaarta [reer Madiinah ee u gargaaray oo siiyay hiilka iyo hoyaadka Muhaajiriinta] iyo sidoo kale kuwa ugu raacay sideeda [Iimanka], Allaah raalli buu ka yahay sida ay iyaguba raalli uga yihiin, wuxuuna [Allaah] u diyaariyay beero ay hoostoodu wabiyadu qulqulayaan [Janno], ay ku waarayaan dhexdeeda waligood. Taas baa ah Liibaanta Wayn.
  101. Waxaana kamid ah reer miyiga hareerihiinna ah qaar munaafiqiin ah, waana sidaa oo kale qaar kamid ah dadka Madiina, waxay ku madax adaygeen munaafaqnimada, ma ogid [Muxammadow] Annaga baase ogsoon. Waxaannu cadaabi doonnaa labo jeer, markaas baa loo celin doonaa Cadaab Wayn.
  102. [Waxaana jira] kuwo kale oo qirtay danbiyadooda, waxay isku labeen camal wanaagsan iyo mid kale oo xun. Waa intaasoo Allaah ka toobad aqbalo. Hubaashii Allaah waa Danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  103. Ka qaad maalkooda sadaqa [zako] si aad ugu hufto oo ugu daahiriso, oo u ducee, ducadaadu waxay u noqon waxay ku xasilaan oo ku dagaan, oo Allaah waa Maqal Badane, Cilmi Badan.
  104. Mawaysan ogayn in Allaah ka aqbalo toobada addoomahiisa oo qaato sadaqooyinka [aqbalo zakada, sadaqooyinka tabarruca ah] iyo in Allaah yahay Kan Toobad Aqbalka Badan, ee Naxariista Badan.
  105. Dheh [Muxammadow], “Camal fala! Allaah waa arki doonaa camalkiinna iyo Rasuulkiisa iyo mu’miniintaba, oo waxaa la idiin celin doonaa xagga ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqda [Allaah], markaasuu wuxuu idiin ka warrami doonaa waxa aad camal falayseen.”
  106. Kuwa kalana waxaa dib loogu dhigay Amarka Allaah, inuu cadaabo ama inuu ka toobad aqbalo, oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  107. Kuwase samaystay masjid ay wax ku dhibaateeyaan iyo gaalnimo darteed iyo si ay tafaraaruq u galiyaan mu’miniinta iyo gabbaad ahaan kuwii horay ula diriray Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad], oo waxay hubaashii ku dhaaran doonaan inay niyaddooda wax kale ahayn samaan maahee. Allaahna wuxuu markhaati ka yahay inay yihiin beenaalayaal.
  108. Ha joogsan dhexdiisa waligaa. Masjidka aasaaskiisa lagu dhigay maalintii koowaadba taqwo [suubbanaan iyo Allaah ka cabsi] baa xaq u leh inaad joogsato dhexdiisa [si aad ugu tukato], gudahiisa [Masjidka Nabiga iyo kan Qubaa] waxaa ah rag jecel inay isdaahiriyaan, oo Allaah wuxuu jecel yahay kuwa isdaahiriya.
  109. Ma mid ku saleeyay dhismihiisa taqwo [suubbanaan iyo Allaah ka cabsi iyo doonis] Allaah iyo Raallinnimadiisa baa wanaagsan, mise mid ka yeelay aasaaska dhismihiisa booraan hadimo [god hoos dheer] aan sugnayn oo diyaar u ah inuu dumo dhinaciis, oo markaas kula dhaca Naarta Jahannama? Oo Allaah ma hanuuniyo qoomka ah daalimiinta.
  110. Kama suuli doono dhismahii ay dhiseen marnaba inuu ahaado sabab keenta munaafiqnimo iyo shaki ku jira qalbiyadoodu inta ay kala kala go’do qalbiyadooda [jeer ay dhintaan]. Oo Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  111. Xaqiiqdii, Allaah wuxuu kaga gatay mu’miniinta nafahooda iyo maalkoodaba, inay leeyihiin Janno. Waxay u dirirayaan Arrinka Allaah, markaasay dilayaan [gaalada iyo xaq diidyada] oo iyagana la dilayaa [shahiidan]. Waa yabooh xaq ah oo ku sugan Tawraadda iyo Injiilka iyo Qur’aanka. Oo yaa ka oofin badan Allaah ballankiisa? Ee ku bishaaraysta beeciinna aad heshiiska ku gaarteen. Taas baa ah Liibaanta Wayn.
  112. [Mu’miniinta uu nafahooda iyo maalkooda Allaah kaga iibsaday Jannada waa] kuwa toobad keena, ee caabuda Allaah, ee ammaana oo mahdiya, ee sooma [ama u baxa Arrinka Jihaadka], ee rukuuca, ee sujuuda ee amra [dadka] macruuf [Towxiidka iyo dhammaan waxa uu Islaamku waajibiyay] oo ka reeba [dadka] munkar [shirkiga iyo dhammaan waxa uu Islaamku xaaraameeyay oo danbiyo ah], iyo kuwa ilaaliya xuduudaha uu dhigay Allaah, [fala dhammaan waxa Allaah waajibiyay oo ka jooga danbiyada oo dhan nooc ay ahaadaanba] ee u bishaaree mu’miniinta.
  113. Kuma [habboona] Nabiga iyo kuwa [Xaqa] rumeeyay inay u danbi dhaaf dalbaan mushrikiinta qaraababa ha ahaadeene, kaddib markii ay u caddaatay inay yihiin ehlu Naar [ku dhinteen shirki iyo gaalnimo].
  114. Mana ahayn u danbi dhaaf dalabkii Ibraahiim aabbihiis waxaan ahayn ballan uu Ibraahiim ka qaaday [aabbihi]. Markiise ay u caddaatay [Ibraahiim] in [aabbihiis] uu yahay cadaw Allaah, wuxuu ka noqday barii. Xaqiiqdii Ibraahiim wuxuu ahaa awwaah [mid u barya Allaah si khushuuc leh, oo nazaha, oo xusa wax badan] oo dulqaad badan.
  115. Oo ma aha Allaah mid dhumiyo qoom kaddib markii uu hanuuniyay jeer uu u caddeeyo waxa ay iska jirayaan. Xaqiiqdii Allaah waa ogsoonaha wax walba.
  116. Xaqiiqdii, Allaah waxaa u sugnaaday mulkiga cirarka iyo dhulka, wuxuu bixiyaa nolol oo sababaa dhimasho. oo ma lihidin Allaah sokadi wax wali ah [ilaaliye, difaace, gacal] iyo gargaare midna.
  117. Wuxuu dhabtii Allaah ka toobad aqabalay Nabiga, Muhaajiriinta iyo Ansaartii raacday [Muxammad] waqtigii dhibaatada [duullaankii Tabuuk], kaddib markii qalbiyada qaar kamid ah ay ku sigteen inay ka leexdaan [Jidka Toosan], markaasuu ka toobad aqbalay. Hubaashii Allaah waa mid iyaga u turid iyo naxariis badan.
  118. Saddexdiina aan kasoo qayb galin duullaankii Tabuuk [waa ka toobad aqbalay ee iyagu Nabigu] ka tagay [macnaha waxaa weeye kama bixin wax xukun ah xaalkoodii, xaalkoodiina waxaa loo dib dhigay xukunka Allaah] jeer dhulku wuxuu ballaaraa uu ku ciriiryoomay nafahoodana ku ciriiryoontay, waxayna yaqiinsadeen in aanay jirin meel looga cararaa Allaah oo la magan galaa Xaggiisa maahee. Markaasuu ka toobad aqbalay, si ay u toobad keenaan. Xaqiiqdii, Allaah waa toobad aqbalaha, naxariista badan.
  119. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ka cabsada Allaah, oo ahaada la jirka kuwa run sheegyada ah [hadallo iyo camal ahaanba].
  120. Ma ahayn dadka Madiina iyo reer miyiga dariska la ah inay kaga haraan gadaal Rasuulkii Allaah [Muxammad waqtiga u dagaalidda Arrinka Allaah], [mana ahayn wax laga filayay] inay ka lexajeclaystaan nafahooda naftiisa. Maxaa yeelay ma jiro harraad iyo daal iyo gaajo kusoo gaara Arrinka Allaah, mana qaadaan tillaabo caro galin gaalada, oo ma gaarsiiyaan dhaawac cadawga korkiisa oo aan intaba ugu qornayn xisaabtooda camal wanaagsan ahaan. Hubaashii Allaah ma dayaco ajarka sama falayaasha.
  121. Mana jiro wax yar iyo wax wayn oo ay ku bixiyaan [Arrinka Allaah] oo ma jiro tog ay gooyaan aan ugu qornayn xisaabtooda, si uu Allaah ugu abaal mariyo si waafaqsan kii u fiicnaa camalladii ay falayeen.
  122. Mana aha inay mu’miniinta oo dhan u wada baxaan [Jihaad], qolo walbaa oo kamid ah, waa inay ka baxdaa qayb kaliya, si ay [kuwa looga tagay gadaal] u bartaan diinta [Islaamka] si ay ugu digaan qoomkooda marka ay usoo noqdaan, si ay uga digtoonaadaan [xumaha].
  123. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! La dirira kuwa idiin dhaw oo kamid ah gaalada oo ha idin kala kulmeen qallafsanaan, oo ogaada inuu Allaah la jiro kuwa u hoggaansan oo ka dhawrsada xumaha.
  124. Oo marka lasoo dajiyo suurad [kamid ah Qur’aanka], waxaa kamid ah kuwo [munaafiqiin ah] oo yiraahda, “Kiinnee bay tani iimaan u kordhisay?” Kuwa [Xaqa] rumeeyay waxay u kordhisay iimaan iyagoo bishaaraysan.
  125. Kuwase uu qalbiyadoodu ku jiro cudur ah [shaki, gaalnimo iyo munaafiqnimo], waxay u kordhisaa oo ugu sii dartaa xumaan xumaantoodii [kale], waxayna dhintaan iyagoo gaalo ah.
  126. Mawaysan arkayn in lagu imtixaano sannad walba mar ama labo jeer [noocyo kala duwan oo musiibado, cudurro, abaaro iyo wixi lamida]? Sidaa oy tahay, ma toobad keenaan, mana waansamaan.
  127. Mar kastoo la soo dajiyana suurad [kamid ah Qur’aanka], wuxuu eegaa qaarkoodba qaarka kale [iyagoo leh], “Qof ma idin arkaa?” Markaasay jeesadaan. Allaah haka jeediyee qalbiyadooda [Nuurka], maxaa yeelay waa qoom aan wax fahmayn.
  128. Waxaa dhabtii idiin yimid Rasuul [Muxammad] idin kamid ah, ay murugo galiso wixii idin dhiba, idiin roon oo dadaal badan, oo mu’miniinta u turid iyo naxariis badan.
  129. Haddiise ay jeesadaan, dheh [Muxammadow], “Waxaa igu filan Allaah, ma jiro ilaah xaq uleh in la caabudo Isaga maahee, Isaga ayaan tala saartay, waana Isaga Rabbiga carshiga wayn.”

Suuradda 10aad: Yuunus

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Alif Laam Raa. [Xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah Kaliya baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo]. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka [Qur’aanka] ee Xikmadda Badan.
  2. Ma waxaa dadka la yaab ku noqotay inaan usoo dirnay waxyigayaga nin kamid ah [waa Nabi Muxammad, Annagoo ku leh] “Uga dig dadka [cadaab kusoo fool leh ee Naareed] oo ugu bishaaree mu’miniinta [Xaqa] rumeeyay inay ku leeyihiin Rabbigood agtiisa abaalka camalladooda wanaagsan.” Waxay gaaladu yiraahdaan, “Kanu [Muxammad] waa saaxir iska cad.”
  3. Hubaashii, Rabbigiin waa Allaah ee ku abuuray cirarka iyo dhulka lix maalmood, markaas Istawaa [ka kor ahaaday] Carshiga [si dhab ah oo ku habboon Waynida iyo Haybadiisa] isagoo maamulaya arrinka dhammaan uunka. Ma jiro shafeece [ka shafeeci kara agtiisa] Idankiisa kaddib ma’ahee. Kaas baa ah Allaah Rabbigiin, ee caabuda Isaga [Kaliya]. Mawaydaan waansamayn?
  4. Xaggiisa baa la idiin celin doonaa idinkoo dhan. Yabooha Allaah waa xaq. Waa Isaga Kan billaaba uunka, misna soo celin doona, si uu ugu abaal mariyo si caddaalad ah kuwa [Xaqa] rumeeyay oo falay camallo wanaagsan oo suubban. Kuwase gaaloobay waxay leeyihiin sharaab biyo kulul oo karaya ah iyo cadaab xanuun badan gaalnimadooda awgeed.
  5. Allaah waa Kan ka dhigay qorraxda iftiin dayaxana nuur, oo qaddaray rugaheeda, si aad u ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Uma abuurin Allaah waxakani waxaan ahayn Xaq. Wuxuu u faahfaahiyaa Aayadaha qoomkii wax og.
  6. Xaqiiqdii, is dhaafka habeenka iyo maalinta iyo waxa Allaah ku abuuray cirarka iyo dhulka, waxaa ugu sugan Aayado qoomkii ka dhawrsanaya xumaha.
  7. Xaqiiqdii, kuwa aan rajaynayn la kulankayaga, oo ku raalli noqday noloshatan adduunka oo ku xasilay, iyo kuwa Aayadahayaga ka dhoohan.
  8. Kuwaas hoygoodu waa Naar, waxay kasbanayeen awgeed.
  9. Xaqiiqdii, kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, Rabbigood wuxuu ku hanuunin doonaa iimaankooda darti, waxaa qulquli doona hoostooda wabiyo ku yaal Beeraha Barwaaqada.
  10. Habkooda wax codsiga dhexdeeda [Jannada] waa qawlka “Adigaa Nazahan Allow,” salaantooduna Jannada dhexdeeda waa qawlka “Salaam,” [ka nabad qaba mid iyo xumaan walbaa]. Gunaanadka ducadooduna waa qawlka “Ammaan iyo mahad idilkeed waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.”
  11. Oo haddii uu Allaah usoo dadajin lahaa dadka sharka [ay gaystaan] sida ay u dagdagsadaanba khayrka, waxaa loo oofin lahaa ajashoodu. Waxaanse uga tagnaa kuwaa aan rajaynayn la kulankayaga xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan.
  12. Oo marka uu taabto Aadanaha dhib, wuxuu na baryaa isagoo u jiifa dhinaciisa, ama fadhiya ama taagan, markaanse ka faydno dhibka, waa iska maraa jidka sidii isagoo aan noogu yeeran dhib taabtayba. Sidaas baa loogu qurxiyay musrifiinta [kuwa beeniya Allaah iyo Rusushiisa oo xadgudubka iyo danbiga badan] waxay falayeen.
  13. Oo waxaan dhabtii halaagnay qaaruumo idin ka horreeyay markay dulmi faleen, waxayna ula timid Rusushoodii xujooyin cadcad, mase ayan rumayn. Sidaas baan ku jaazaynaa qoomka ah mujrimiinta [gaalada, mushrikiinta, danbiilayaasha iyo wixi lamida].
  14. Markaas baan idin ka yeelnay kuwa u hara dhulka iyaga kaddib, si aan u fiirinno sida aad u dhaqantaan.
  15. Oo marka loo akhriyo Aayadahayaga cadcad, kuwa aan rajayn la kulankayaga, waxay yiraahdaan, “Noo keen Qur’aan aan ahayn kan, ama baddal.” Dheh [Muxammadow], “Igama suurowdo anigu inaan iskay u beddelo, waxaan uun raacaa waxa la ii waxyooday. Waxaan anigu ka cabsanayaa haddii aan caasiyo Rabbigay, cadaab Maalin Wayn [Maalinta Qiyaame].”
  16. Dheh [Muxammadow], “Haddii uu Allaah doono, idiinma akhriyeen oo idinma ogaysiiyeen. Waxaan dhabtii joogay dhexdiinna cimri kan horti. Ee ma waydaan lahayn caqli aad wax ku garataan?”
  17. Yaase ka dulmi badan mid ku been abuurta Allaah ama beeniya Aayadihiisa, hubaashii mujrimiintu [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] ma liibaanaan.
  18. Oo waxay caabudayaan Allaah sokadi waxaan wax yeelayn waxnana aan u tarayn, waxayna yiraahdaan, “Kuwakanu waa shafeecayaashayo Allaah agti.” Dheh, “Ma waxaad u sheegaysaan Allaah wax uusan ogayn cirarka iyo dhulka gudahooda?” Waa ka nazahan yahay oo ka sarreeyaa waxa ay u shariig yeelayaan.
  19. Dadku ma ahayn waxaan ahayn ummad kaliya [haysata diin qura ah, Islaamka], markaas bay iskhilaafeen [waa dambe], haddii aysan jirteenna Kalmad horay uga dhacday Rabbigaa, waa lagu kala xukumi lahaa dhexdooda waxa ay isku khilaafeen.
  20. Oo waxay oran doonaan, “Maxaa looga soo dejin waayay calaamo xagga Rabbigi ah?” Dheh, “Ghaybka [waxa qarsoon aan muuqan] waxaa leh oo ogsoon Allaah Kaliya, ee suga, aniguna waan idin la sugaaye [xukunka Allaah].”
  21. Oo maalin aan dhadhansiinno dadka Naxariis dhibaato kaddib taabatay, mise waxay billaabaan in ay qoolaan Aayadahayaga. Dheh, “Allaah baa ku dhaqsi badan qorshe [tab] degidda. Hubaashii Rusushayadu [malaa’igtayadu] waxay qoraan waxa aad qoolaysaan.
  22. Allaah Waa Kan idin ku socodsiiyo barriga iyo badduba, jeer marka aad ku jirtaan doomaha oo ay ku mushaaxaan kuwa saaran dabayl wanaagsan oo ay markaas ku farxaan, ay u timaaddo dabayl kacsan, ugana yimaadaan hirarku dhinac kasta, oo ay moodaan in lagu hareereeyay dhexdeeda, waxay baryaan Allaah iyagoo u kali yeelaya cibaadada, oo leh, “Haddii aad naga badbaadiso tani, waxaan hubaashii kamid ahaan doonnaa kuwa shukriya.”
  23. Markiise uu badbaadiyay, mise waxay ku qooqaan dhulka xaq darro. Dadow! Qooqa [iyo xadgudubkiinna] waxay u daran tahay naftiinna, waa raaxo kooban oo noloshan adduunka ah, dabadeedna xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa, oo waxaan idiin ka warrami doonnaa waxa aad camal falayseen.
  24. Mataalka noloshan adduunku waa uun sida biyo [roob] aan kasoo dajinnay cirka, oo ku dheehmay dhirta dhulka oo ay dadka iyo duunyaduba wax ka cunaan ilaa markii uu dhulku qaato bilicdiisa oo isqurxiyo oo ay dadkiisu moodaan inuu gacanta ugu jiro, uu markaas u yimaado Amarkayagii habeen ama maalin, waxaana ka dhignaa gabaahirig [wax la shafay] sidii isagoo aan jirin shalayba. Sidaas baan ugu faahfaahinnaa Aayadaha [xujooyinka] qoomkii fakaraya.
  25. Allaah wuxuu ugu yeerayaa [dadka] Daarta Nabadda [Jannada] wuxuuna ku hanuuniyaa ciddii uu doono Jid Toosan.
  26. Kuwa fala samaanta waxaa u sugnaaday samaan ka wanaagsan [Janno] iyo dheeraadba [waa Arkidda Allaah] mana soo gaaro wajiyadooda dayac [boor, naxdin iyo wixi lamida] iyo dulli midna. Kuwaasu waa ehlu Jannaha, waxay ku waari doonaan dhexdeeda waligood.
  27. Kuwase kasbada xumaanaha, jazaha halkii xumaan waa xumaan la mid ah, waxaana dabooli doona dulli [wajiyadooda]. Ma jiro wax Allaah ka celin doona. Waxaad mooddaa wajiyadooda in lagu daboolay goosan habeen oo mugdi ah. Kuwaasu waa ehlu Naar, waa ku waari doonaan dhexdeeda waligood.
  28. Maalinta aan isu wada keeni doonno iyaga oo dhan, markaasna aan ku oran doonno kuwii la wadaajiyay Allaah cibaadada cid kale, “Meeshiina jooga! Idinka iyo shariigyadiinuba [shaydaammadii aad ku caabuddeen noloshii adduunka],” oo markas kala soocno, waxay oran doonaan kuwa ay la wadaajiyeen Allaah cibaadada, “Innaga nama aydaan caabudayn.”
  29. “Ee waxaa ku filan Allaah markhaati dhexdeenna innaga iyo idinka, inaan cibaadadiinna hubaashii moogeen.”
  30. Halkaas bay ogaan doontaa naf walbaa waxay horay u kasbatay, waxaana dib loogu soo celin doonaa xagga Allaah, Rabbigooda runta ah, waxayna waayi doonaan waxay been abuuran jireen.
  31. Dheh, “Yaa idin ka irsaaqa cirka iyo dhulka? Yaase leh maqalka iyo aragyada? Oo yaa kasoo saara noolaha maydka oo kasoo saara maydkana noolaha? Oo yaa maamula arrimaha [uunka]?” Waxay oran doonaan, “Allaah.” Dheh, “Ma waydaan ka dhowrsanayn [shirkiga iyo macaasida]?”
  32. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin Xaqa ah. Maxaase xaqa ka dambeeya aan baadi ahayn? Ee xaggee la idiin jeedinayaa?
  33. Sidaas bay Kelmadda Rabbigaa xaq ugu noqotay kuwa faasiqoobay [ku caasiya Allaah] inaysan rumayn doonin [Xaqa].
  34. Dheh, “Ma ku jiraan kuwa aad la wadaajisaan Allaah cibaadada mid askuma uunka oo soo celin doona?” Dheh, “Allaah baa askuma uunka oo soo celin doona. Ee xaggee la idiin ka iilayaa [xaqa]?”
  35. Dheh, “Ma ku jiraan kuwa aad la wadaajisaan Allaah cibaadada mid wax ku hanuuniya Xaqa?” Dheh, “Waa Allaah Kan wax ku hanuuniya Xaqa. Ee ma Kan wax ku hanuuniya Xaqa baa mudan in la raaco, mise mid aan hanuunayn in la hanuuniyo ma’ahee? Ee maxaad leedihiin? Sidee wax u xukumaysaan?”
  36. Oo ma raaco badankoodu waxaan ahayn malo? Xaqiiqdii, malahu waxba kama taro Xaqa. Hubaashii, Allaah waa Og yahay waxa ay falayaan.
  37. Oo ma aha Qur’aankani mid ay keeni karaan cid kale aan ahayn Allaah [Rabbiga cirarka iyo dhulka], laakiinse waa rumayn [kutubtii] ka horraysay [Towraadda iyo Injiilka, iyo wixi lamida] iyo faahfaahin dhan oo Kitaabka ah, shakina kuma jiro inuu ka yimid xagga Rabbiga uumanka.
  38. Mise waxay leeyihiin, “Waa uu been abuurtay.” Dheh, “Keena suurad lamid ah, oo u yeerta wixii aad awooddaan Allaah sokadi, haddii aad run sheegaysaan.”
  39. Mayee, waxay beeniyaan wax aysan koobin cilmigiisa [Qur’aankan] iyo wax uusan wali u imaan iyaga fasirkiisu. Sidaas bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay. Ee fiiri sida ay ahayd ciribtii daalimiintu.
  40. Waxaana kamid ah qaar rumaysan Qur’aanka, oo waxaa kamid ah qaar aan rumaysnayn, oo Rabbigaa waa og yahay mufsidiinta.
  41. Oo haddii ay ku beeniyaan, dheh “Waxaan leeyahay camalkayga, idinkuna waxaad leedihiin camalkiinna. Waxaad idinku barii ka tihiin waxa aan falayo, waxaan aniguna ka ahay barii waxa aad falaysaan.”
  42. Oo waxaa kamid ah kuwo ku dhagaysanaya, ma adiga baase wax maqashiin kara dhagoolaha xitaa haddii ayan wax garanayn?
  43. Oo waxaa kamid ah kuwo kusoo eegaya, ma adiga baase toosin kara indhoolaha xitaa haddii ayan waxba arkayn?
  44. Xaqiiqdii Allaah kama dulmiyo dadka waxba, laakiinse dadka iyaga baa nafahooda dulmiya.
  45. Maalinta uu soo kulmin [bixin] doono iyagoo dhan, [waxay ahaan doontaa] sida inaysan soo joogin [ku nagaanin nolosha adduunkan iyo qubuuraha] waxaan ahayn saacad maalin kamid ah. Waana is aqoonsan doonaan dhexdooda. Waxaa dhabtii khasaaray kuwa beeniyay la kulanka Allaah, mana ahayn kuwo hanuunsan.
  46. Haddii aan ku tusinno [inta aad nooshahay Muxammadow] qaar kamid ah waxa aan ugu gooddinayno iyaga [cadaabka], ama aan ku oofsannaba, xaggayaga uun baa loo soo celin doonaa, oo Allaah baa markhaati ka ah oo u jeeda waxa ay falayaan.
  47. Ummad walbaa waxay leedahay Rasuul, markii uu yimaado Rasuulkoodu, waxaa lagu kala xukumi doonaa dhexdooda si caddaalad ah iyagoo aan la dulminayn.
  48. Oo waxay oranayaan, “Waa goorma yaboohani [Cadaabka ama Maalinta Qiyaamaha], haddii aad run sheegaysaan?”
  49. Dheh [Muxammadow], “Anigu uma hanto naftayda wax dhib ama dheef ah wixii uu Allaah doono ma’ahee. Ummad kastaana waxay leedahay ajal [muddo] loo qabtay, markii ay timaaddo ajashoodu, lagama dib mariyo saacadna oo lagama soo hormariyo.”
  50. Dheh, “Bal ka warrama haddii uu idiin ku yimaado cadaabkiisu cawo ama dharaar cad, maxay ka dagdagsanayaan mujirmiintu [dambiilayaashu]?”
  51. Mise marka uu dhaco baad rumaynaysaan? Ma haatan [baad rumaynaysaan]? Idinkoo [awal hore] dagdagsanayay.
  52. Markaas baa lagu oran doonaa kuwii dulmiga falay, “Dhadhamiya cadaabka waaridda. Ma waa la idiin ku jaazeeyay wax aan ahayn waxaad kasbanayseen?”
  53. Oo waxay ku waydiinayaan [Muxammadow], “Ma run baa [waa cadaabka iyo dhicidda Saacadda Maalinta Qiyaame]?” Dheh, “Haah, waa igu Rabbigaye! Waa xaq dhab ah. Mana ka fakan kartaan [cadaabka].”
  54. Oo haddii ay naf walbaa ee dulmi fashay [shirki iyo macaasi] leedahay waxaa ku sugan dhulka, way isku furan lahayd [lagamase aqbali doono], waxayna ka dareemi doonaan gaalada qalbiyadooda qoomammo marka ay arkaan cadaabka, waxaana lagu kala xukumi doonaa dhexdooda si caddaalad ah iyagoo aan la dulminayn.
  55. Hubaashii, waxaa iska leh Allaah waxa ku sugan cirarka iyo dhulka. Shaki ma leh, yabooha Allaah waa xaq, laakiinse badankoodu ma’oga.
  56. Allaah baa wax nooleeya, oo sababa dhimasho, Xaggiisa baana la idiin soo celin doonaa.
  57. Dadow! Waxaa idiin ka yimid waano wanaagsan xagga Rabbigiin [waa Qur’aanka, amraya dhammaan waxa wanaagsan oo reebaya dhammaan waxa xun] iyo raysasho lagaga dawoobo waxaa [cudurka jahliga, shakiga, munaafiqnimada, iyo khilaafyada, iyo wixi lamida] ku jira laabaha, waana u hanuuun iyo naxariis mu’miniinta.
  58. Dheh, “Fadliga Allaah iyo Naxariistiisa [Qur’aanka] taas haku farxeen [mu’miniintu] isaga baa uga khayr badan waxa ay isu keenayaan [oo maal ah].”
  59. Ku dheh [Muxammadow mushrikiintan], “Bal ka warrama waxa Allaah idiin soo dajiyo oo rizaqa ah oo aad ka yeesheen qaar kamid ah xaaraan [qaarna] xalaal.” Dheh [Muxammadow], “Ma Allaah baa idiin idmay [inaad sidaa yeeshaan] mise Allaah baa ku been abuuranaysaan?”
  60. Oo maxay filayaan kuwa ku been abuuranaya Allaah [inuu ku fali doono] Maalinta Qiyaamaha? Xaqiiqdii Allaah waa mid u roon dadka, laakiinse dadku badankiisu ma shukriyaan.
  61. Wax kasta oo adigu [Muxammadow] ku sugan tahay oo arrin ah, iyo qayb waliba oo aad ka akhrinayso Qur’aanka, iyo camal kasta idinku [dadow] aad falaysaan [samaan ama xumaan], waxaan ka nahay markhaati oo u jeednaa marka aad falaysaan. Oo waxna kama qarsoona Rabbigaa [haba ahaadeene] wax le’eg saxar [ama quraanyo yar] dhulka korkiisa ama cirka gudahiisa. Mana jiraan wax ka yar ama wax ka wayn oo aan [ku qornayn] kitaab cad.
  62. Shaki ma leh! Awliyada Allaah [kuwa dhowra xilalka Allaah saaray oo ka dhowrsada shirkiga iyo macaasida] ma ahaan doonto cabsi korkooda oo ma murugoon doonaan.
  63. Kuwa [Xaqa] rumeeyay, oo ka dhowrsada xumaha.
  64. Waxay leeyihiin bishaaro nolosha adduunkan [waa riyada wanaagsan uu arko isla qofkaa ama la tuso cid kale] iyo aakhiradaba. Ma jiro wax baddali karaa Kalmadaha Allaah. Taasina waa liibaanta wayn.
  65. Oo yuusan ku murugo galin [Muxammadow] hadalkoodu, xaqiiqdii cizo oo dhan waxaa iska leh Allaah. Waana Isaga maqal badanaha, cilmiga badan.
  66. Shaki ma leh, Allaah baa iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka. Kuwaana barya cid kale Allaah sokadi, xaqiiqdii ma raacaan waxa ay la wadaajiyaan Allaah cibaadada, ee waxay raacaan oo kaliya malo, mana aha waxaan ahayn beenaalayaal.
  67. Allaah waa kan idiin yeelay habeenka si aad ugu xasishaan, maalintana [ka yeelay] iftiin wax la arko. Xaqiiqdii, tani waxaa ugu sugan calaamooyin qoomkii wax maqlaya.
  68. Waxay [Yuhuudda, Nasaarada iyo mushrikiinta] yiraahdaan, “Allaah wuxuu yeeshay ilmo.” Ka nazahan! Waa Hodanka [ka deeqtoon waxyaalaha loo baahdo oo dhan]. Wuxuna leeyahay waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka. Wax xujo ahna uma haysataan waxakani [inuu Allaah leeyahay ilmo]. Ma waxaad ka sheegaysaan Allaah wax aydaan ogayn?
  69. Dheh, “Xaqiiqdii, kuwa Allaah ku been abuurta ma liibaanaan.”
  70. Waa raaxo yar adduunka dhexdiisa, waana xaggayaga meel noqodkoodu, waxaana dhadhansiin doonnaa cadaab daran, gaalnimadooda darteed
  71. Oo u akhri warkii Nuux, markii uu ku yiri qoomkiisii, “Qoomkayow, haddii ay joogiddayda [la jirkiin], iyo [idinku] waanintayda aayadaha Allaah ay idin ku cuslaatay, haddaba waxaan tala saartay Allaah, ee isu geeya dhagartiinna idinka iyo shariigyadiinnuba, oo yaysan dhagartiinnu idin ka galin shaki iyo madow oo markaas igu fuliya xukunkiinna oo ha i siininna wax kansho ah.”
  72. “Haddiise aad jeesataan, idinkuma warsanayo wax ujuuro ah [gaarsiinta fartiinta Rabbigay], ujuuradaydu waa oo kaliya xagga Allaah, waxaana la i amray inaan kamid ahaado Muslimiinta.
  73. Waase beeniyeen, markaasaan badbaadinnay [Nuux] iyo intii ku wehlisayba doonta, waxaana ka yeelnay kuwa u hara dhulka, halka aan hafinnay kuwii beeniyay aayadahayaga, ee fiiri sida ay ahayd ciribti kuwii loo digay.
  74. Markaas kaddib waxaan u soo dirnay rusul qoomamkooda, waxayna ula yimaadeen xujooyin cadcad, mase ay rumeeyeen waxay horayba u beeniyeen. Sidaas baan u daboolnaa qalbiyada xadgudbayaasha.
  75. Markaas baan iyaga gadaashood ula soo dirnay Muusaa iyo Haaruun xagga Fircoon iyo duqaydiisii aayadahayagii, waxayse u dhaqmeen si islawayni iyo kibir ah oo ahaayeen qoom danbiilayaal ah.
  76. Markii uu uga yimid xaqu Xaggayaga, waxay yiraahdeen, “Waxakanu waa sixir iska cad.
  77. Wuxuu Muusaa yiri, “Ma waxaad ka leedihiin [sidatan] Xaqa markii uu idiin yimid? Ma sixir baa kani? Mana liibaanan sixiroolayaashu.”
  78. Waxay yiraahdeen, “Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso [diintaa] aan hellay aabbayaashayo iyagoo raacaya, oo aad idinku ku yeelataan sarrayn arlada? Innagu idinka idin rumayn mayno.”
  79. Oo wuxuu Fircoon yiri, “Ii keena saaxir kasta oo xeel dheer.”
  80. Markii ay yimaadeen sixiroolayaasha, Muusaa wuxuu ku yiri, “Tuurta waxa aad doonaysaan inaad tuurataan.”
  81. Markii ay tuurteen, wuxuu Muusaa yiri, “Waxa aad la timaaddeen waa sixir, Allaah baana burin doona. Xaqiiqdii, Allaah ma hagaajiyo camalka mufsidiinta.”
  82. “Wuxuuna Allaah ku sugaa Xaqa Kalmadihiisa, haba naceene taa danbiilayaashuye.”
  83. Mase rumayn Muusaa waxaan ahayn durriyad yar oo kamid ah qoomkiisii cabsi ay ka qabeen darteed Fircoon iyo duqaydiisii inay caddibaan, oo xaqiiqdii Fircoon wuxuu ahaa isla wayne khaa’in ah oo ku qooqa dhulka, wuxuuna kamid ahaa xadgudbayaasha.
  84. Oo wuxuu Muusaa yiri, “Qoomkayow! Haddii aad tihiin kuwo rumaysan Allaah Isaga uun tala saarta, haddii aad tihiin Muslimiin.”
  85. Waxay yiraahdeen, “Allaah baan tala saarannay. Rabbiyow! Ha nooga dhigin fitno qoomka ah daalimiinta.”
  86. “Oo nooga badbaadi Naxariistaada qoomka ah gaalada.”
  87. Oo waxaan u waxyoonnay Muusaa iyo walaalki [Haaruun], “Uga sameeya guryo qoomkiinna Masar gudaheeda, oo ka dhiga guryihiinna meelo aad ku cibaadaysataan, oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo u bishaaree mu’miniinta.”
  88. Oo wuxuu Muusaa yiri, “Rabbiyow! Waxaad adigu ku siisay Fircoon iyo duqaydiisa qurux iyo maal nolosha adduunkan, Rabbiyow, si ay dadka uga dhumiyaan Jidkaaga. Rabbiyow! Baabbi’i maalkooda, oo adkee qalbiyadooda, oo yaysan rumayn jeer ay arkaan cadaabka xanuunka badan.
  89. Allaah wuxuu yiri, “Dhabtii waa la idinka aqbalay baryadiinna, ee idinku haya Jidka Toosan oo ha raacina jidka kuwa aan wax ogayn.”
  90. Oo waxaan ka gudbinnay ilmahii Israa’iil baddu, markaas baa waxaa raacay Fircoon iyo ciidamadiisa kibir iyo cadaawad darteed, ilaa markii ay hafintu haleeshay, Fircoon wuxuu yiri, “Waxaan rumeeyay inuusan jirin ilaah aan ahayn Kan ay rumeeyeen ilmahii Israa’iil, aniguna waxaan kamid ahay Muslimiinta.”
  91. Allaah wuxuu yiri, “Haatan [miyaad rumaynaysaa] adigoo horay u caasiyay, waxaadna ka mid ahayd mufsidiinta?”
  92. “Ee maanta waxaan ugasoo saari doonnaa jirkaaga [mootan dibadda badda] si aad ugu noqoto kuwa kaa dambeeya calaamo, oo xaqiiqdii in badan oo kamid ah dadka aayadahayaga waa ka dhoohan yihiin.”
  93. Oo waxaan dhabtii dajinnay ilmahii Israa’iil dagaan khayr [Falastiin iyo Masar], oo waxaan ku irzaaqnay waxyaalo wanaagsan, ismana ay khilaafin jeer uu u yimid cilmigu. Xaqiiqdii, Allaah waa ku kala xukumi doonaa dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxa ay isku khilaafsanaayeen.
  94. Ee haddii aad [Muxammadow] ka shakisan tahay waxa aan kuu soo dajinnay [waa in magacaagu ku qoran yahay Towraadda iyo Injiilka] markaa waydii kuwa akhriya Kitaabka [Towraadda iyo Injiilka] hortaa. Waxaa dhabtii kaaga yimid Xaq xagga Rabbigaa. Ee ha kamid noqon kuwa shakiya.
  95. Oo ha kamid noqon kuwa beeniya Aayadaha Allaah, si aadan uga mid noqon kuwa khasaaray.
  96. Xaqiiqdii, kuwa ay Kalmadda Rabbigaa [cadaabta] u waajibtay, ma rumayn doonaan.
  97. Xataa haddii aad ula timaaddo calaamo kasta jeer ay arkaan cadaabta xanuunka badan.
  98. Ma way jirtay magaalana rumaysay [kaddib aragtidoodii ciqaabta] oo rumaynteedii [waqtigaa] ay ka badbaadisay [ciqaabta]? [Jawaabta waa ma jirto] marka laga reebo qoomkii Yuunus, markii ay rumeeyeen waxaan ka faydnay cadaabkii dufaynta ee nolosha adduunka, waxaana u raaxaynay ilaa muddo.
  99. Oo haddii uu doono Rabbigaa, waa ay rumayn lahaayeen waxa dhulka jooga oo dhan kulligood, ee ma waxaad adigu [Muxammadow] khasbaysaa dadka intay ka rumeeyaan [Xaqa]?
  100. Ma laha nafna inay rumayso Idanka Allaah ma’ahee, wuxuuna [Allaah] yeelaa cadaabka korkooda kuwaa aan xaqa garowsan.
  101. Dheh, “Fiiriya waxa ku sugan cirarka iyo dhulka, maxayse wax u tarayaan Aayadaha iyo digniinuhu qoom aan rumaynayn?”
  102. Ma waxay sugayaan [wax kale] aan ahayn [baabbi’ii] sida maalmihii dadkii tagay hortood? Dheh, “Suga, aniguna [sidoo kale] waan idinla sugaye.”
  103. Markaas baan badbaadinnaa Rusushayada iyo kuwa [Xaqa] rumeeyay. Sidaas bayna xaq noogu tahay inaan badbaadinno mu’miniinta.
  104. Dheh [Muxammadow], “Dadow! Haddii aad shaki ka qabtaan xagga diintayada [Islaamka], [ogaada inaan] anigu marnaba caabudi doonin kuwaa aad caabudaysaan Allaah sokadi. Laakiinse waxaan caabudayaa Allaah ee idin oofsada, oo waxaa la i amray inaan kamid ahaado mu’miniinta.”
  105. Oo u jeedi wajigaaga [Muxammadow] xagga diinta adigoo toosan, oo ha kamid noqonin mushrikiinta.
  106. Oo ha baryin Allaah ka sokow waxaan wax ku tari karin, waxnana ku yeeli karin, haddiise [mathalan] aad sidaa yeesho, waxaad hubaashi kamid noqon doontaa daalimiinta.
  107. Oo haddii uu Allaah kugu taabto dhib, ma jiraan cid kaa faydi kartaa Isaga ma’ahee, oo haddii uu kula doono khayr ma jiro cid awoodda inay kaa celisa Fadligiisa uu gaarsiiyo ciddii uu doono oo kamid ah addoomahiisa, waana Isaga [Allaah] danbi dhaaf badanaha, naxariista badan.
  108. Dheh, “Dadow! Waxaa idiin ka yimid Xaq [waa Qur’aanka iyo Nabi Muxammad] xagga Rabbigiin, ee kii hanuunaa, waxay dan u tahay oo u hanuunaa naftiisa, kii dhumaana, waxay u daran tahay oo u dhumaa naftiisa, anigana layma saarin dushiinna wakiil ahaan [oo idinkuma lihi qasab].
  109. Oo raac [Muxammadow] waxa laguu waxyooday, oo sabar inta Allaah kala xukminayo dadka, Isagaana u wanaagsan inta wax xukunta.

Suuradda 11aad: Huud [Nabi Huud]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Alif Laam Raa. [Xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah [Keliya] baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo]. [Kani waa] Kitaab, Aayadihiisa la sugay [dhinac kasta oo cilmi ah, iyo wixi lamida], oo markaas laga soo faahfaahiyay si cad xagga Mid [Allaah], ee Ah Xikmad Badane, u Xog Ogaal ah [wax waliba].
  2. [Annagoo leh] ha caabudina cidna Allaah maahee, waxaan anigu [Muxammad] idiinka ahay Xaggiisa dige iyo bishaareeye.
  3. Oo waydiista danbi dhaaf Rabbigiin, oo u toobad keena Xaggiisa, wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan ilaa muddo magacaaban, wuxuuna siinayaa mid kastoo fadli leh [waa midka kaalmeeya oo u adeega baahnaha iyo saboolka, qof ahaan u garab istaaga oo waxna ka siiya maalkiisa, oo kula hadla hadal san] fadli dheeraad ah. Haddiise aad jeesataan, waxaan anigu idiinka cabsanayaa cadaab maalin wayn.
  4. Waa xagga Allaah meel noqodkiinnu, isaga baana wax walba kara.
  5. Shaki ma leh! Waxay laabaan laabahooda, si ay isaga qariyaan [Allaah]. Markase ay isku dadayaan maryahooda, wuxuu Allaah og yahay waxa ay qarsanayaan iyo waxa ay muujinayaanba. Hubaashi, waa Isaga Ogsoonaha waxa ku jira laabaha.
  6. Oo ma jiro noole jooga dhulka oo aysan irzaaqaddiisu saamayn Allaah. Wuxuuna og yahay rugtiisa degaanka u ah iyo hoyaadkiisa [ilma galeenka, qabriga, iyo wixi lamida]. Dhammaan waxay ku yaalliin Kitaab Cad [Looxa Maxfuudka].
  7. Allaah waa Kan ku abuuray cirarka iyo dhulka lix maalmood, Wuxuuna ahaa Carshigiisu biyo korkood, si uu idiin jarribo [imtixaano] kiinna camal wanaagsan. Haddiise aad tiraahdo, “Waa la idin soo bixin doonaa dhimasho kaddib,” waxay hubaashii kuwa gaaloobay oran doonaan, “Waxakani ma aha waxaan ahayn sixir iska cad.”
  8. Oo haddii aan dib uga dhigno cadaabka ilaa muddo tirsan, waxay hubaashii oran doonaan, “Maxaa haysta oo celinaya?” Shaki ma leh, maalinta uu u yimaado, ma aha wax laga duwayo, oo waxaa ku dhici doona waxay ku jeesjeesayeen.
  9. Oo haddii aan ka dhadhansiinno aadanaha xaggayaga Naxariis, oo markaas aan ka qaadno, wuxuu noqdaa mid quusasho iyo abaal dhac badan.
  10. Haddiise aan dhadhansiinno khayr [barwaaqo] dhibaato kaddib [faqri iyo jirro] taabtay, wuxuu hubaashii oran doonaa, “Waxaa iga tagay dhibaatooyinkii.” Wuxuuna markaas noqdaa mid farax iyo faan badan [aan ku shukriyin Allaah].
  11. Marka laga reebo kuwa sabra oo fala camallo wanaagsan oo suubban, kuwaas waxay leeyihiin danbi dhaaf iyo Ajar Wayn [Janno].
  12. Ee waa intaasoo aad [Muxammadow] ka tagto qaar ka mid ah waxa laguu waxyooday, oo ay la ciriiryoonto laabtaadu inay yiraahdaan, “Maxaa maaliyad loogu soo dajin waayay, ama uu ula imaan waayay malag?” Adiguse waxaad uun tahay dige, oo Allaah baa wax walba ka wakiil ah.
  13. Mise waxay leeyihiin, “Waa uu been abuurtay [Qur’aanka].” Dheh, “Keena toban suuradood oo la mid ah oo la been abuurtay, oo u yeerta ciddii aad kartaan Allaah ka sokow [inay idin caawiyaan] haddii aad run sheegaysaan.”
  14. Haddii ay idin ajiibin [yeelin], ogaada markaa in waxyiga [Qur’aankan] lagu soo dajiyay Cilmiga Allaah iyo inuusan jirin axad xaq u leh in la caabudo Isaga maahee. Ee idinku ma u hoggaansamaysaan.
  15. Kii raba nolosha adduunka iyo quruxdeeda, waxaan ugu oofinaynaa si dhan [ajarrada] camalladooda dhexdeeda, iyagoon waxba laga nusqaaminayn.
  16. Kuwaasu waa kuwa aan ku lahayn Aakhiro waxaan ahayn Naar, oo waxaa bura waxa ay ku faleen dunida oo camallo san ah, waana baadil waxa ay falayeen.
  17. Ma [qof Muslim ah oo] ka haysta Xujo Cad [Qur’aanka] xagga Rabbigi, oo uu raaco markhaati [Nabi Muxammad uu kasoo gaarsiiyay Jabriil xagga Allaah, baa la siman mid gaal ah, jawaabtu waa maya], hortiina isaga [Qur’aanka] waxaa yimid Kitaabkii Muusaa hanuun iyo naxariis ahaan, kuwaas akhyaarta ah [Muslimiinta] baa rumaysan waxa kusoo arooray, kuwaase kamid ah xizbiyada [Yuhuudda, Nasaarada iyo dhammaan ummadaha aan Muslimka ahayn] ee ku gaalooba [Qur’aanka], Naar baa loo yaboohay oo madashooda ah, ee haka qabin shaki xaggiisa [waa in kuwa beeniyay Nabi Muxammad oo sidoo kale beeniyay waxa uu ka keenay xagga Allaah, hubaashii, ay gali doonaan Naar], waa xaq ka yimid Rabbigaa, laakiinse dadku badankiisu ma rumeeyaan.
  18. Oo yaa ka dulmi badan mid ku been abuurta Allaah? Kuwaas waxaa loo bandhigi doonaa Rabbigood horti, markhaatiyaduna waxay oran doonaan, “Kuwakanu waa kuwii ku been abuurtay Rabbigood! Ee Lacnada Allaah korkooda ha ahaato daalimiinta.
  19. Oo ah kuwa ka hor istaaga [dadka] Jidka Allaah oo la doona qallooc, iyagoo ku gaaloobay Aakhirada.
  20. Kuwaasi ma aha kuwo ka fakan kara [cadaabka Allaah] dhulka korkiisa, oo ma laha Allaah sokadi gargaarayaal. Waxaana loo labalaabi doonaa cadaabka. Ma karayn inay maqlaan [Xaqa] ama arkaan, [sababta weecashadooda daran awgeed, inkastoo ay lahaayeen dareenka maqalka iyo aragga].
  21. Kuwaasu waa kuwo khasaariyay nafahooda, oo waa waayi doonaan waxay been abuurteen.
  22. Shaki li’i, waa kuwaas kuwa Aakhirada ugu khasaaraha badan.
  23. Xaqiiqdii, kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, oo ula noqda [toobad iyo daacad] Rabbigood, waa kuwaas ehlu Jannaha iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood.
  24. Mataalka labada qolo [gaalada iyo Muslimiinta] waa sida mid indha la’ iyo mid dhego la’, iyo mid wax arka iyo mid wax maqla, miyay siman yihiin mataal ahaan? Miyaydaan waansamayn?
  25. Oo Waxaan dhabtii u dirnay Nuux qoomkiisii [wuxuuna yiri], “Waxaan idiin ahay dige iska cad.”
  26. “Inaydaan caabudin axadna Allaah maahe, waxaan anigu idiinka cabsanayaa cadaab Maalin xanuun badan.”
  27. Waxay yiraahdeen madaxdii gaalowday ee ka mid ahaa qoomkiisa, “Kuuma aragno waxaan ahayn qof nala mid ah, oo ma aragno wax ku raacay aan ahayn kuwii noogu xumaa ee nagu jiray ee makasta ah, oo ma kugu aragno wax aad na dheer tahay, waxaanse idiin malaynaynaa beenaalayaal.”
  28. Wuxuu [Nuux] yiri, “Qoomkayow! Bal ka warrama, haddii aan ka haysto Xujo Cad xagga Rabbigay, iyo Naxariis [Nabinnimo] iiga timid Xaggiisa, la idinkase indha tiray, miyaan idinku khasbi karnaa [Islaamka] idinkoo aan doonayn?”
  29. “Oo qoomkayow! Idin ku waydiisan maayo inaad igu siisaan maal, oo ujuuradaydu ma saarna cid aan ahayn Allaah, oo anigu ma ahi mid erinaya kuwa [Xaqa] rumeeyay, waxay la kulmi doonaan [goor aan fogayn] Rabbigood, laakiinse waxaan arkaa inaad tihiin qoom jaahiliin ah.”
  30. “Oo qoomkayow! Yaa iiga gargaaraya Allaah, haddi aan iyaga eryo? Ee miyaydaan waansamayn?”
  31. “Oo idinkuma oranayo waxaan hayaa khaznadaha Allaah, iyo inaan ogahay Ghaybka [waxa qarsoon aan muuqan], oo ma oranayo waxaan ahay malag, oo kama oranayo kuwa ay indhihiinnu quursadaan, Allaah ma siin doono wax khayr ah, Allaah baa ogsoon waxa u qarsoon naftooda [xagga caqiidada iyo wixi lamida, haddii aan sidaas iraahdo] markaas waxaan anigu ka mid noqon daalimiinta.”
  32. Waxay yiraahdeen, “Nuuxow! Waad nala doodday oo aad u badisay la doodiddayada, ee noo keen waxa aad noogu gooddiyayso, haddii aad run sheegayso.”
  33. Wuxuu [Nuux] yiri, “Waxaa uun idiin keeni kara [cadaabka] Allaah, haddii uu doono, markaana kama baxsan doontaan.”
  34. “Oo waxna idiinma tarayso waanadayda, haddii aan doono inaan idin waaniyo, haddii uu Allaah rabo inuu idin baadiyeeyo. Waa Isaga Rabbiigiin! Oo xaggiisa baa la idiin celin doonaa.”
  35. Mise waxay leeyihiin waa uu been abuurtay [Qur’aanka]? Dheh, “Haddii aan been abuurtay, aniga buu isaaran yahay danbigayga, aniguse waxaan barii ka ahay [dhammaan] danbiyada aad gashaan.”
  36. Oo waxaa loo waxyooday Nuux, “Kuma rumayn doonaan qoomkaaga wixii horay u rumeeyay maahee, ee haka xumaan waxa ay falayaan.”
  37. “Oo ku samee doonta indhahayaga hoostooda iyo waxyigayaga, oo ha igala hadlin arrinka kuwa dulmiga falay, waa kuwo la hafinayo’e.”
  38. Wuxuu samaynayay doonta, mar kasta ay soo ag maraan kulan ka mid ah qoomkiisa, waa ku jeesjeesayeen. Wuxuu [Nuux] yiri, “Haddii aad nagu jeesjeestaan innaguna waa idinka jeesjeesi doonnaa sida aad u jeesjeesaysaan.”
  39. “Waadna ogaan doontaan kan ay u imanayso cadaab dullaysa oo ay ku dagayso cadaab ma guuraan ah.”
  40. [Sidaas bay arrin ahayd] ilaa markii uu yimid Amarkayagii oo tinnaarkii burqaday, Waxaan niri, “Ku qaad doonida nooc walba wax kamid ah labo [lab iyo dheddig] iyo ehelkaaga, marka laga reebo kan isagu qawlku ku hormaray, [sidoo kale ku qaad doonta] kuwa [Xaqa] rumeeyay.” Cidnase lama rumayn wax yar ma’ahee.
  41. Oo wuxuu [Nuux] yiri, “Ku fuula bisinka Allaah, ay ku soconayso kuna joogsanayso. Hubaashii, Rabbigay waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.”
  42. Markaas bay [doontii] la dhex martay hirar buuro oo kale ah, wuxuu Nuux u dhawaaqay wiilkiisii, kaasoo gooni u baxay, “Wiilkaygow! Nala soo fuul oo ha noqon la jirka gaalada.”
  43. Wiilkii wuxuu yiri, “Waxaan hoos galayaa buur iga badbaadiya biyaha.” Wuxuu [Nuux] yiri, “Maanta ma jiro wax ka badbaadaya Amarka Allaah mid maahee uu u naxariistay.” Waxaana kala dhex galay hirkii, markaas buu [wiilkii] ka mid noqday kuwa la hafiyay.
  44. Oo waxaa la yiri, “Dhulkow liq biyahaaga, oo cirkow cesho [roobkaaga],” biyihiina waa gureen, xukunkii [Allaahna] waa la oofiyay [waa halaaggi qoomkii Nuux]. [Doontiina] waxay kor ahaatay Buurta Juudi, oo waxaa la yiri, “Ha fogaadeen [belo haku dhacdo] qoomka ah daalimiinta.”
  45. Oo wuxuu Nuux u dhawaaqay [baryay] Rabbigiis oo yiri, “Rabbiyow! Wiilkaygu wuxuu ka mid yahay ehelkayga, oo Yaboohaagu waa Xaq, oo Waxaad tahay Kan ugu caadilsan inta wax xukunta.”
  46. Wuxuu [Allaah] yiri, “Nuuxow! Wiilku kamid ma aha ehelkaaga, waa camal xun yahay, ee ha iweydiisan wax aadan u lahayn cilmi. Waxaan kaa waaninayaa inaad ka mid noqoto jaahiliinta.”
  47. Wuxuu [Nuux] yiri, “Rabbiyow! Waxaan kaa magangal waydiisanayaa inaan ku waydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Oo haddii aadan ii danbi dhaafin oo ii naxariisan, waxaan ka mid noqonayaa kuwa khasaaray.”
  48. Waxaa la yiri, “Nuuxow! Kaga soo dag [doonta] nabad ka ahaatay xagayaga iyo barakooyin korkaaga ah iyo korkooda dadka kula jira [iyo qaar kamid ah duniyadooda], [waxaase jiri doona] dad [kale] aan u raaxayn doonno [in xoogaa muddo ah], dabeeto waxaa kasoo gaari doonta xaggayaga cadaab xanuun badan.”
  49. Waxakanu waa wararkii Ghaybka oo aan kuu waxyoonno [Muxammadow] adiga iyo qoomkaaguba aydaan ogaan jirin kan ka hor, ee sabar. Hubaashii ciribta [wanaagsan] waxaa iska leh kuwa ku fartooma Amarrada Allaah ee ka dhowrsada xumaha.
  50. Oo xagga [qoomkii] Caad [waxaan u dirnay] walaalkood Huud. Wuxuu yiri, “Qoomkayow! Caabuda Allaah! Ma lihidin Ilaah kale aan Isaga ahayne, idinku kuma sugnidin waxaan ahayn been abuurasho.”
  51. “Qoomkayow idin ku waydiisan maayo ujuuro [Diinta] oo ujuuradaydu waxay saaran tahay oo kaliya Kan i abuuray [Allaah], ee ma waydaan garasho lahayn?”
  52. “Oo qoomkayow! Waydiista danbi dhaaf Rabbigiin oo u toobad keena Xaggiisa, Wuxuu idiin kasoo dirayaa [xagga cirka] roob badan oo darar ah, oo idiinku dari doonaa xoog xooggiinna, oo ha jeesannina idinkoo danbiilayaal ah.”
  53. Waxay yiraahdeen, “Huudow! Noolama aadan imaan wax Xujo Cad ah, oo ugamana tagi doonno ilaahyadayada hadalkaaga [darti], mana nihin kuwo adiga ku rumaynaya.”
  54. “Waxa kaliya aan leennahay waa in qaar kamid ah ilaahyadayada ay kusoo gaarsiiyeen xumaan [waalli].” Wuxuu [Huud] yiri, “Waxaan marag gashan Allaah, idinkuna marag ka ahaada inaan Anigu barii ka ahay waxa aad la wadaajinaysaan [cibaadada].”
  55. “[Allaah] sokadi, ee i dhagra idinkoo dhan, o ha i siinnina wax kansho ah.”
  56. “Anigu waxaan tala saartay Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiin, ma jiro [noole] jooga [dhulka] oo uusan hayn foodda. Xaqiiqdii Rabbigay wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan.”
  57. “Haddiise aad jeesataan waxaan dhabtii idin soo gaarsiiyay Fartiintii la iigu soo kiin dhiibay. Wuxuuna Rabbigay ka yeeli doonaa qoom kale inay idin dhaxlaan, oo waxna kama dhimaysaan. Hubaashii, Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa.”
  58. Oo markii uu yimid Amarkayagii, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumaysay [Xaqa] Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana ka badbaadinnay cadaab adag.
  59. Sidaas bay ahaayeen [qoomkii] Caad, waxay diideen Aayadihii Rabbigood, oo caasiyeen Rusushiisii, waxayna raaceen amarka macangag kasta oo madax adag.
  60. Oo waxaa lagu raaciyay lacnad adduunyadan [sidaas bayna ahaan doonaan] Maalinta Qiyaamaha. Shaki ma leh! Waxay Caad ku gaaloobeen Rabbigood, ee ha fogaadeen [belo haku dhacdo] Caad qoomkii Huud.
  61. Oo xagga [qoomkii] Thamuud [waxaan u dirnay] walaalkood Saalix. Wuxuu yiri, “Qoomkayow! Caabuda Allaah, ma lihidin ilaah kale aan Isaga ahayn. Wuxuu idinka abuuray dhulka oo idin dajiyay dhexdiisa, ee waydiista danbi dhaaf oo u toobad keena. Xaqiiqdii, Rabbigay waa dhow yahay oo ajiibid badan yahay.”
  62. Waxay yiraahdeen, “Saalixow! Waxaad ka ahayd dhexdayada mid lagu rajo wayn yahay [oo waxaan kula doonaynay inaad noqoto duqayaga] ilaa waxakan [diintaan cusub aad la timid, oo ah inaan ka tagno ilaahyadayada oo aan caabudno Ilaahaaga Allaah Kaliya]. Ee ma waxaad naga reebaysaa inaan caabudno wixii ay caabudi jireen aabbayaashayo? Waxaanse innagu run ahaan ka qabnaa waxa aad noogu yeerayso [Islaamka] shaki badan.”
  63. [Saalix] wuxuu yiri, “Qoomkayow! Bal ka warrama haddii aan ka haysto Xujo Cad Rabbigay, oo ay iiga timid Naxariis [Nabinnimo, iyo wixi lamida] Xaggiisa, bal yaa iiga gargaaraya Allaah haddi aan caasiyo? Oo iima kordhinaysaan waxaan ahayn khasaaro.”
  64. “Oo qoomkayow! Tani waa hashii Allaah, waa idiin calaamo [mucjizo xagga Allaah ah], ee iska daaya ha daaqdo’e arlada Allaah, oo haku taabannina wax xumaan ah, haddii kale waxaa idiin qaban doonta cadaab dhow.”
  65. Waase dileen hashii, markaasuu wuxuu yiri, “Ku raaxaysta guryihiinna saddex maalmood. Kaasi waa yabooh aan la beenin doonin.”
  66. Markii uu yimid Amarkayagii, waxaan ku badbaadinnay Saalix iyo intii la rumaysay [Xaqa] naxariis ka ahaatay xaggayaga, iyo [inaan ka badbaadinnay] dufowgii Maalintaas. Xaqiiqdii, Rabbigaa waa Xoog Badanaha, Awoodda Badan.
  67. Oo waxaa qabtay kuwii dulmiga [shirkiga iyo macaasida] falay Sayxah [cadaab, qaylo daran iyo wixi lamida], markaasay waxay noqdeen weecda [baqti] u yaal guryahoodii af gambi.
  68. Sidii inaysan weligoodba ku noolaan halkaa. Shaki ma leh, Thamuud waxay ku gaaloobeen Rabbigood, ee ha fogaadeen [belo haku dhacdo] Thamuud.
  69. Oo waxay dhabtii ula yimaadeen malaa’igtayadii aan soo dirnay Ibraahiim bishaaro wanaagsan. Waxay yiraadeen, “Salaam [nabad korkaaga ha ahaato].” Wuxuu ku jawaabay, “Salaam [nabad korkiinna ha ahaato],” oo wuxuu u dagdagay inuu u keeno marti qaad ahaan dibi shiilan.
  70. Markiise uu arkay gacmahoodii oo aan gaarayn [raashinka], wuxuu ka dareemay xoogaa kalsooni darro [garan waa] ah xaggooda, oo ka gashay cabsi. Waxay yiraahdeen, “Ha cabsan, waxaa naloo soo diray qoomka Luud.”
  71. Haweentiisiina waxay taagnayd [halkaa], oo qososhay, waxaana ugu bishaaraynay Isxaaq, isaga gadaashiina Yacquub.
  72. Waxay tiri [iyadoo yaabban], “Hoogaye! Ma waxaan ilmo dhalayaa anigoo habar duqowday ah, ninkayguna yahay oday gaboobay? Xaqiiqdii! Waxakanu waa wax layaab leh.”
  73. Waxay yiraahdeen, “Ma waxaad la yaabaysaa Amarka Allaah? Naxariista Allaah iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadeen reer [Ibraahiimow].” Hubaashii [Allaah] waa Ammaan Badane, Sharaf Badan.
  74. Markii ay Ibraahiim baqdintii ka tagtay [maankiisa], oo ay u timid bishaaradii, wuxuu billaabay inuu nagala doodo arrinta qoomkii Luud.
  75. Xaqiiqdii, Ibraahiim waa dulbadane, noo soo noqosho iyo toobad keen badan.
  76. “Ibraahiimow! Isaga jeeso xaalkan. Waxaa dhabtii yimid Amarka Rabbigaa. Waxaa yimid Amarka Rabbigaa. Waxaana u imaanaya cadaab aan dib looga celinayn.”
  77. Oo markii ay Rusushayadii [Malaa’igtii aan soo dirnay] u yimaadeen Luud, waa uu ka walbahaaray oo ciriiryoomay [isagoo ka baqayay in dadkii magaalada ay ugu yimaadaan inay foolxumadii [ficilkii qoomu Luud] ku falaan]. Wuxuu yiri, “Tani waa maalin daran.”
  78. Oo waxaa yimid qoomkiisii iyagoo usoo dagdagaya xaggiisa, horayna waxay u fali jireen danbiyo [khaniisnimo, gaalnimo, jid goyn, iyo wixi lamida] wuxuu [Luud] yiri, “Qoomkayow! Kuwakani waa gabdhahaygii [gabdhahii tolkay], iyaga baana idiin daahirsan [haddii aad u guursanaysaan si sharci ah], ee ka cabsada Allaah oo ha igu ceebeennina martidayda. Ma wuusan idin ku jirin nin toosan [hanuunsan]?”
  79. Waxay yiraahdeen, “Waxaad dhabtii ogtahay inaanaan rabin oo wax dan ah ka lahayn gabdhahaaga, waadna og tahay waxa aannu doonayno.”
  80. Wuxuu [Luud] yiri, “Haddii aan idiin haysan lahaa xoog [rag], ama aan u dumi lahaa naftayda tiir adag oo aan ka helo taageero xoog leh [waan idin ciqaabi lahaa].”
  81. Waxay [Rusushii Malaa’igta ahayd] yiraahdeen, “Luudow! Waxaannu innagu nahay Rusushii Rabbigaa. Kuma soo gaari doonaan, ee la bax ehelkaaga inta habeenka ah, oo yuusan qofkiinna dib soo jalleecin, haweentaaduse [waxay ku hari doontaa gadaal], xaqiiqdii waxaa ku dhici doona waxa [ciqaabka] ku dhici doona iyaga, oo madashoodu [waqtiga loo qabtay] waa subaxa hore, sow ma aha subaxu wax dhow?”
  82. Markii uu yimid Amarkayagii, Waxaan u rognay [magaalooyinkii Soduum ee ku yiil Falastiin] af gambi, oo kusoo dadinnay roob oo kale dhagxaan dab shidan ah oo isdaba jooga.
  83. Oo laga soo calaameeyay xagga Rabbigaa, oo ma aha wax daalimiinta ka fog [oo meel ka jira].
  84. Oo [dadkii] Madyan [waxaan u dirnay] walaalkood Shucayb, wuxuu yiri, “Qoomkayow! Caabuda Allaah, ma lihidin ilaah kale aan ahayn Isaga, oo ha dhimina beegidda ama miisaanka. Waxaan anigu idinku arkaa barwaaqo, waxaana idiinka cabsanayaa cadaab maalin wax koobaysa.”
  85. “Qoomkayow! U oofiya beegidda iyo miizaanka si caddaalad ah, oo haka dhimina dadka waxyaalahooda, oo ha ku bi’innina [hallaynina] dhulka falid fasaad.”
  86. “Waxaa uu Allaah idiin reebay [kaddib bixintiinna xuquuqda dadka] baa idiin khayr badan, haddii aad tihiin mu’miniin, oo aniga la ima saarin dushiinna ilaaliye ahaan.”
  87. Waxay yiraahdeen, “Shucaybow! Ma waxay salaaddaadu ku amraysaa inaan ka tagno waxay caabudayeen aabbayaashayo, ama ku falno maalkayaga waxaan doonno? Marka adigu waxaad tahay weeye dul badanaha wax garadka ah.” [Waxay u yiraahdeen taa jeesjees ahaan].
  88. Wuxuu yiri, “Qoomkayow! Bal ka warrama, haddi aan ka haysto Xujo Cad Xagga Rabbigay, iguna irzaaqay rizqi wanaagsan xaggiisa [ma waxaan ku bi’in lahaa inaan ku daro lacag xaaran iyo xaq darro lagu kasbaday]. Mana doonayo inaan idin daba maro fallida waxa aan idin ka reebayo. Waxaan oo kaliya rabaa samo ka talin iyo wax wanaajin intii aan karo oo awooddayda ah. Hanuunkaygana kama imaan karo waxaan ahayn xagga Allaah, Isaga baan tala saartay oo xaggiisa u noqdaa oo u toobad keenaa.”
  89. “Oo qoomkayow! Yuusan idin ku xambaaran khilaafkaygu inuu idin ku dhaco wixii ku dhacay oo kale qoomkii Nuux ama qoomkii Huud ama qoomkii Saalix, oo qoomkii Luud idin kama foga.”
  90. “Oo waydiista danbi dhaaf Rabbigiin oo u toobad keena. Xaqiiqdii, Rabbigay waa Naxariis Badane, Gacalnimo Badan.”
  91. Waxay yiraahdeen, “Shucaybow! Fahmi mayno in badan oo waxa aad leedahay ah, waxaana kuu aragnaa [nin] liita dhexdayada. Haddii uusan jireenna tolkaa waa ku dhagaxyayn lahayn, mana tihid mid ka leh agtayada awood.”
  92. [Shucayb] wuxuu yiri, “Qoomkayow! Ma tolkay baa idin kala miizaan roonaaday Allaah oo aad ka tuurteen dhabarradiina gadaashood? Xaqiiqdii Rabbigay waa koobay waxa aad falaysaan.”
  93. “Oo qoomkayow! U camal fala sida dowga idinla ah, aniguna waan camal falanayaa. Waadna ogaan doontaan kii uu u yimaado cadaab dullaysa, iyo kan ah beenale, oo suga, aniguna waan idinla sugaye.”
  94. Oo markii uu yimid Amarkayagii, Waxaan ku badbaadinnay Shucayb iyo intii la rumaysay [Xaqa] Naxariis ka ahaatay Xaggayaga. oo waxaa qabatay kuwii dulmiga falay [shirkiga iyo macaasida] sayxah [cadaab, qaylo daran iyo wixi lamida], markaasay noqdeen weecda [baqti], u yaal guryahoodii af gambi.
  95. Sidii inayan waligoodba ku noolaan halkaa, ee ha fogaadeen [belo haku dhacdo] Madyan sidii ay u fogaadeen Thamuud.
  96. Oo waxaan dhabtii ulasoo dirnay Muusaa aayadahayagii iyo Xujo Cad.
  97. Xagga Fircoon iyo duqaydiisii, waxayse raaceen amarkii Fircoon, oo amarka Fircoon ma ahayn mid toosan.
  98. Wuxuu hor kici doonaa qoomkiisa Maalinta Qiyaamaha, oo ku aroorin doonaa Naarta, meel lagu arooraana Naar baa u xun oo rug baas ah ee la arooro.
  99. Oo waxaana la raacshay lacnad tani gudaheeda [noloshan wax hodda ee adduunka, sidaa oo kale baana loo raacin doonaa lacnada] Maalinta Qiyaamaha. Maxay xun tahay lacnada [adduunkan gudahiisa] oo la raacshay lacnad kale [oo Aakhirada ah].
  100. Kuwakani waa qaar kamid ah wararkii [dadwaynahii] magaalooyinka oo aan kaaga qisoonayno adiga [Muxammadow], waxaa kamid ah kuwo taagan iyo kuwo [horay] loo halaagay.
  101. Oo ma aannu dulmiyin, laakiinse iyaga baa waxay dulmiyeen nafahooda, markaa waxna uma tarin ilaahyadoodii Allaah sokadi ay baryi jireen, markii uu u yimid Amarkii Rabbigaa, oo uma kordhin waxaan ahayn baabba’.
  102. Oo waa sidaas oo kale qabashada Rabbigaa marka uu doono inuu qabto [oo ciqaabo] magaalooyin [dadkood] iyagoo dulmi falaya. Xaqiiqdii, qabashadiisu waa mid xanuun badan oo daran.
  103. Waxaa dhabtii taas gudaheed ugu sugan calaamo ciddii ka cabsanaysa cadaabka Aakhirada, taasuna waa Maalin dadka lasoo kulmin doono, oo taasu waa Maalin ay dhammaan [wixii dagganaa cirarka iyo dhulka] ay ahaan doonaan goob joog.
  104. Waxaan u dib dhigaynaa oo kaliya muddo [horay] loo gooyay.
  105. Maalinka uu yimaado, nafna ma hadasho Idanka [Allaah] ma’ahee, waxaana kamid ah dadka kuwo hoogay iyo kuwo liibaanayba.
  106. Kuwa hoogay waxay gali doonaan Naarta gudaheeda iyagoo ku taahaya hinraag iyo reen si cod kore iyo hoosaba leh.
  107. Iyagoo ku waari doona dhexdeeda inta ay jiraan cirarka iyo dhulku, wixii Rabbigaa doono maahee. Xaqiiqdii, Rabbigaa waa falaha wixii uu doono.
  108. Kuwa liibaanayna, waxay ahaan doonaan Jannada gudaheeda, iyagoo ku waaraya dhexdeeda inta ay jiraan cirarka iyo dhulku, wixii Rabbigaa doono ma’ahee, waana deeq aan go’ayn oo daa’in ah.
  109. Ee haka shakin [Muxammadow] waxa ay kuwaanu [mushrikiinta] caabudayaan, ma caabudayaan waxaan ahayn waxay caabudayeen aabbayaashood iyaga hortood. Waxaana Annagu u oofin doonnaa si dhan saamigooda nuqsaan la’aan.
  110. Oo Waxaan dhabtii siinnay Muusaa Kitaabka [Towraada], waase la isku khilaafay, oo haddii aysan jirteen Kalmad horay uga dhacday Rabbigaa [waa in loo dib dhigo kala saariddooda madal Maalin uu qabtay, Maalinta Qiyaame], arrinku wuxuu ahaan lahaa mid la xukumay dhexdooda, oo waxay iyagu kaga sugan yihiin midkani [Qur’aanka] shaki daran.
  111. Oo qolo walbaa wuxuu u oofin doonaa Rabbigaa camalladooda si dhan. Hubaashii, [Allaah] waxay camal falayaan waa u Xog Ogaal.
  112. Ee u toosnow [Muxammadow] sida lagu amray iyo inta kula toobad keentay, oo ha xadgudbina. Xaqiiqdii, Allaah waxa aad camal falaysaan waa Arkaa,
  113. Oo ha u liicina xagga kuwaa fala dulmiga [shirkiga iyo macaasida], yaysan Naari idin taabane, oo ma lihidin Allaah sokadi wax difaacayaal ah, mana la idiin gargaari doono.
  114. Oo u oog salaadda si wanaagsan, labada dacalladood ee maalinta iyo qaar ka mid ah saacadaha habeenka [shanta salaadood ee faralka ah]. Xaqiiqdii, camallada wanaagsan waxay tiraan camallada xun [danbiyada yaryar] taasu waa u waano kuwa xusa Allaah.
  115. Oo sabra, xaqiiqdii Allaah ma dayaco ajarka sama falayaasha.
  116. Haddi oo kaliya ay kamid ahaayeen qaaruumihii idin ka horreeyay dad leh garasho, oo ka reebaya [kuwa kale] fasahaadka [gaalnimada, shirkiga, iyo danbiyada oo dhan] dhulka dhexdiisa, wax yar maahee oo kamid ahaa kuwii aan badbaadinnay oo ku jiray iyaga, kuwiise falay dulmiga [shirkiga iyo macaasida] waxay daba galeen raaxada waxyaalaha wanaagsan ee noloshan [adduunkan], waxayna ahaayeen danbiilayaal.
  117. Oo Rabbigaa uma halaago magaalooyinka dulmi iyagoo ay dadkeedu yihiin kuwo wax hagaajiya [oo amra dadka wanaagga, oo ka reeba xumaha].
  118. Oo haddii uu doono Rabbigaa, wuxuu hubaashii ka dhigi lahaa dadka ummad kaliya [oo raacaysa diin qura, Islaamka] mase dayn doonan inay iskhilaafaan.
  119. Mid maahee uu Rabbigaa u Naxariistay, sidaas baana Allaah ku abuuray, oo Kalmadda Rabbigaa waxay ahaan doontaa mid la hirgaliyo [waa qawlkiisa ah]. Hubaashii, Waxaan ka wada buuxin doonaa Naar jinka iyo dadkaba iyagoo dhammi [kuwooda icaasiyay].
  120. Oo dhammaan waxaannu kaaga qisoonayno adiga [Muxammdow] oo wararkii Rususha ah waa si aan ugu sugno qalbigaaga, oo waxaa kuugu yimid [suuradda] tani [Qur’aanka ah] dhexdeeda Xaq, oo waa u wacdi iyo waano mu’miniinta.
  121. Oo ku dheh kuwa aan xaqa rumaysnayni camal fala sidiinnaas oo dowga idinla ah, innagu waannu camal faliye [sida inala qumman].
  122. Oo suga, innaguna [sidoo kale] waannu sugiye.
  123. Oo Allaah baa iska leh Ghaybka [waxa qarsoon oo aan muuqan] ee cirarka iyo dhulka gudahooda ah, Xaggiisa baana loo celiyaa arrinka oo dhan, ee caabud [Muxammadow] Isaga Kaliya oo talo saaro, oo Rabbigaa ma aha mid moog waxa aad [dadow] falaysaan.

Suuradda 12aad: Yuusuf

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Alif Laam Raa. [Xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah [Kaliya] baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo.] Kuwakani waa Aayaadka Kitaabka iska cad.
  2. Waxaan Annagu soo dajinnay isagoo Qur’aan Carabi ah si aad u fahantaan.
  3. Annaga baa kaaga sheekeenayna [Muxammadow] sheekooyinka tan u wanaagsan waxyigayaga gudahi ee kamid ah Qur’aankan. Kan hortina [macnaha waa ka hor kuu imaanshaha waxyigan Ilaahiga ah adiga] waxaad ahayd mid kamid ah kuwa aan wax ogayn.
  4. [Xus] markii uu Yuusuf ku yiri aabbihiis, “Aabbow! Waxaan ku arkay [riyo] kow iyo toban xiddigood iyo qorraxda iyo dayaxa, waxaan arkay iyagoo ii sujuudsan [salaan ahaan].”
  5. Wuxuu [aabbihi] yiri, “Maandhow! Ha uga sheekayn riyadaada walaalahaa, yaysan kuu qooline qool. Xaqiiqdii Shaydaanku wuxuu u yahay aadanaha cadow iska cad.”
  6. “Sidaas buuna kuu dooranayaa Rabbigaa oo kuu barayaa fasirka riyooyinka [iyo waxyaalo kalaba] oo kuugu iltirayaa Nicmaddiisa korkaaga adiga iyo duriyadda Yacquub korkooda, sidii uu ugu iltiray aabbayaashaa Ibraahiim iyo Isxaaq awal hore. Xaqiiqdii, Rabbigaa waa xikmad badane, cilmi badan.”
  7. Waxaa dhabtii Yuusuf iyo walaalahi ugu sugnaa Aayaat [Calaamooyin, cibro, casharro, iyo wixi lamida] kuwaa warsanaya [waano].
  8. Markii ay yiraahdeen, “Yuusuf iyo walaalki [Bin Yamiin] buu aad nooga jecel yahay aabbahayo innagoo ah koox xoog leh. Xaqiiqdii, aabbaheen wuxuu ku sugan yahay baadi cad.”
  9. “Dila Yuusuf ama ku tuura arlo [kale], ha idiin kaliyoobo wajiga aabbahiine, aadna ahaateen intaas kaddib qoom suubban.”
  10. Mid kamid ah baa wuxuu yiri, “Ha dilina Yusuuf ee ku tuura ceel salkiis, ha qaataane qaar kamid ah safarrada badeecada sida, haddii aad wax falaysaan.”
  11. Waxay yiraahdeen, “Aabbow! Maxaadan noogu aamini la’dahay Yusuuf, halka aannu innagu nahay dhabtii kuwo daacad u ah oo khayr la jecel?”
  12. “Nala dir barri ha miro gurtee oo ha iska cayaaro’e, oo innaga baa dhowri doonna [oo gaar iyo ilaalo ka hayn].”
  13. Wuxuu [Yacquub] yiri, “Waxaa aniga xaqiiqdii i welwel galinaya inaad la tagtaan, waxaana ka cabsanayaa inay yay cunto idinkoo moog.”
  14. Waxay yiraahdeen, “Haddii ay yay cunto innagoo ah koox xoog leh [oo ka hayn doona gaar iyo ilaalo], markaa hubaashii, waxaan kamid nahay kuwa khasaaray.”
  15. Markii ay la tageen oo ay isku raaceen in ay ku tuuraan ceel salkii Waxaan u waxyoonnay, “Waxaad hubaashii [maalin uun] uga warrami doontaa arrinkan iyagoo aan dareemayn.”
  16. Oo waxay u yimaadeen aabbahood habeen goor fiid ah iyagoo ooyaya.
  17. Waxay yiraahdeen, “Aabbow! Waannu tagnay isagoo midkayaba la tartamaya mid kale, oo uga tagnay Yuusuf alaabtayada, markaas bay yay cuntay, kollayba adigu naga rumaysan maysid xitaa haddii aan run sheegayno.”
  18. Oo waxay keeneen shaarkiisii oo leh dhiig been ah. Wuxuu [Yacquub] yiri, “Mayee, naftiinna baa idiin dhistay sheeko, ee [aniga xaggayga] sabar fiican baa ila gudboon. Waana Allaah [Kaliya] Kan laga kaalmaysto waxa aad tilmaamaysaan.”
  19. Oo waxaa yimid socoto, waxayna direen dhaamiye, wuxuuna hoos ugu sii daayay wadaantiisii [ceelka gudahiisa]. Wuxuu yiri, “Bishaaradayda kani waa wiil.” Markaasay qarsadeen badeeco ahaan [addoon ahaan ay iib geeyaan] oo Allaah waa ogsoonaha waxa ay falayaan.
  20. Oo waxay siisteen qiimo yar, xoogaa dirhamyo tirsan ah, waxayna ahaayeen kuwo aan rabin [Yuusuf] oo u arka waxaan qiimo lahayn.
  21. Oo wuxuu ku yiri [ninkii gatay] oo reer Masar ahaa marwadiisii, “Wanaaji hoygiisa, waa intaasoo uu na anfaco ama ka dhiganno ilmo.” Sidaas baan ugu sugnay Yuusuf dhulka, iyo inaan barno fasirka dhacdooyinka, oo Allaah waa ka adag yahay arrimahiisa, laakiinse dadku badankiisu ma oga.
  22. Markii uu [Yuusuf] tabar galay, waxaan siinnay Xikmad iyo Cilmi [Nabinnimo], oo sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
  23. Oo waxaa doontay naftiisa oo hawaysatay tii uu gurigeeda joogay, waxay xirtay albaabbadii oo tiri, “Kaalay oo is keen.” Wuxuu yiri, “Allow magantaa! [Ninkaagu] waa abaankaygii, wuxuuna wanaajiyay hoygayga, [marka igama suurowdo inaan khiyaano]. Xaqiiqdii, ma liibaanaan daalimiintu.”
  24. Oo dhabtii waa ku hammiday, isaguna waa uu hammiyay, haddii uusan arkeen xujada Rabbigi. Sidaas waa si aan uga duwno xumaanta iyo waxa xilka leh ee foosha xun [zinada iyo wixi lamida]. Wuxuu hubaashii kamid yahay addoomahayaga daacadda ah ee [camalkooda u kali yeela Allaah oo aan cibaadada wax la wadaajin].
  25. Waxay u oratameen albaabka, waxayna ka jeexday shaarkiisa xagga dambe, oo waxay kula kulmeen odaygeedii [ninkeedii] albaabka. Waxay tiri, “Maxay tahay jaazada [ciqaabta] kan la doonay ehelkaaga xumaan aan ahayn in la xiro ama cadaab xanuun badan?”
  26. Wuxuu [Yuusuf] yiri, “Iyada baa i doontay oo dalabtay naftayda,” oo waxaa ka marag kacay markhaati ehelkeeda ah [isagoo leh], “Haddii la arko in shaarkiisa laga jeexay horay, markaas waxa ay sheegayso waa run isaguna waa beenlow.”
  27. “Haddiise ay noqoto in shaarkiisa laga jeexay gadaal, markaas waxay sheegtay been isaga baana run sheegaya.”
  28. Markii uu [ninkeedii] arkay shaarkii [Yuusuf] oo ka jeexan gadaal, wuxuu yiri, “Hubaashii, waa dhagartiinna idinka haweenka ah. Dhabtii waa wayn tahay dhagartiinnu.”
  29. “Yuusufow! Isaga jeeso waxakan [haka warramin]. Naa [haweentooy]! Ka istiqfaarso danbigaaga. Waxaad kamid tahay kuwa danbaabay.”
  30. Waxayna yiraahdeen haween magaalada joogay, “Marwadii Al-Caziiz [wasiirka] waxay damaaciday oo doontay [addoonkeeda] da’da yar naftiisa, waxaa qalbiga ka galay jacaylkiisa oo si daran u jamatay, waxaan aragnaa inay ku sugan tahay baadi cad.”
  31. Markii ay maqashay eedayntoodii, bay u cid dirtay oo u diyaarisay martiqaad, waxay siisay middood walba middi [ay ku jaraan cuntada], waxayna ku tiri [Yuusuf], “Usoo bax oo imow hortooda.” Markii ay arkeen bay ku dhaygageen [wayneeyeen quruxdiisa darteed oo iyagoo ku jiro cajabsanaantoodii] gooyeen [sarsareen] gacmahoodii [farahoodii]. Waxay yiraahdeen, “Xaashaa lillahe! Ma aha kani aadane! Kani ma aha waxaan ahayn malag sharaf badan.”
  32. Waxay tiri, “Kani waa kii aad igu eedayseen [jacaylkiisa], oo aniga baa doonay naftiisa, waase idiiday oo isceliyay. Haddii uusanse falin waxa aan ku amrayo, wallee waxaa la dhigayaa xabsiga, oo kamid ahaan doonaa kuwo la dulleeyay.”
  33. [Yuusuf] wuxuu yiri, “Rabbiyow, xabbis baan ka jeclahay waxa ay iigu yeerayaan. Haddii aadan Adigu iga jeedin dhagartooda, waxaan iska dareemi doonaa u liicid xaggooda ah oo kamid ahaan doonaa jaahiliinta.”
  34. Markaas buu Rabbigi ka ajiibay baryadiisii oo ka jeediyay dhagartoodii. Xaqiiqdii, Waa Isaga [Allaah] Maqal Badanaha, Cilmiga Badan.
  35. Markaas baa waxaa u muuqday kaddib markii ay arkeen caddaymaha [inuusan danbi lahayn] inay xiraan ilaa muddo.
  36. Oo waxaa la galay xabsiga labo nin oo dhallinyaro ah, midkood baa wuxuu yiri, “Waxaan ku arkay [riyo] anigoo miiraya khamro.” Kii kalana wuxuu yiri, “Aniguna waxaan ku arkay [riyo] anigoo ku sida madaxayga korkiisa kibis ay shimbiruhu wax ka cunayaan. Ee nooga warran fasirka waxakan. Waxaan aragnaa inaad kamid tahay sama falayaasha.”
  37. [Yuusuf] wuxuu yiri, “Ma jirto cunto idiinku imaan doonta [soo jeed ama riyo] rizqigiinna ah, oo aanan idiinku sheegi doonin [soo jeed] fasirkeeda ka hor inta aysan [cuntadu] imaan. Waxakani waa wax kamid ah waxa Rabbigay ibaray. Waxaan anigu ka tagay [iska nacay] diinta qoom aan rumaysnayn Allaah oo ku gaalooba Aakhirada [Qaynuwaantii Masar oo ahaa mushrikiin caabudi jiray qorraxda iyo xiddigaha].”
  38. Waxaana raacay diinta aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub. Naguma habboona inaan Allaah wax u shariig yeelno waxay ahaadaanba. Taasi waa Fadliga Allaah noo galay innaga iyo dadkaba, laakiinse dadka badankiisu ma shukriyaan.”
  39. “Labada saaxiibbow ee xabsiga! Ma rabbiyo [ilaahyo] kala duwan baa fiican mise Allaah, Waaxidka, Qahridda Badan.”
  40. “Ma aad caabudaysaan sokadi waxaan ahayn magacyo aad bixiseen [been abuurateen] idinka iyo aabbayaashiin oo uusan Allaah usoo dajin wax xujo ah. Xukunka ma leh waxaan ahayn Allaah. Wuxuu amray inaydaan caabudin waxaan ahayn Isaga Kaliya, taasi baa ah diinta [Xaqa ah] ee toosan, laakiinse dadka badankiisu ma oga.”
  41. “Labada saaxiibbow ee xabbiska! Midkiin wuxuu u shubi doonaa khamri uu cabbo taliyihiisa [boqorkiisa ama mudanahiisa], kan kalase waa la daldali doonaa, shimbiruhuna waxay wax ka cuni doonaan madaxiisa. Sidaas baa loo guddoonshay arrinka la xiriira waxa aad iga waraysateen.”
  42. Oo wuxuu ku yiri midkoodii uu ogaaday inuu badbaadayo, “Igu xus taliyahaaga agtiisa [macnaha waa boqorkiinna, si uu iiga soo saaro xabsiga],” ha yeeshee Shaydaan baa halmaansiiyay inuu u xuso taliyihiisa [ama Shaydaan baa Yuusuf halmaansiiyay xusidda Rabbigi Allaah inuu waydiisto kaalmadiisa iyo gargaaarkiisa cid kale oo dhan ka sokow]. Markaasuu [Yuusuf] ku jiray xabsiga dhowr sano [oo kale].
  43. Oo boqorkii [Masar] wuxuu yiri, “Waxaan ku arkay [riyo] toddoba sac oo buurbuuran oo ay toddobo caato ah cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaaran iyo kuwo kale oo qallalan, ee kuwa riyada cabbirow! Iiga warrama fasirka riyadayda, haddii aad fasiri kartaan riyooyinka.”
  44. Waxay yiraahdeen, “Waa qaraw isku qasan, innaguna ma nihin kuwa yaqaan fasirka riyooyinka qarowga isku qasan ah.”
  45. Markaas buu kii labadoodii badbaaday [mid kamid ah labadii ku jiray xabsiga kii nabad galay] markaa muddo dheer kaddib soo xusuustay [Yuusuf] oo yiri, “Aniga baa idiin sheegaya fasirkiisa ee idira.”
  46. [Wuxuu yiri,] “Yuusufow, run badanow! Nooga warran fasirka [riyada] toddoba sac oo buurbuuran oo ay toddoba caato ahi cunayaan, iyo toddoba sabuul oo cagaar ah qoyan iyo [toddobo] kale oo qallalan si aan dadkii ugula noqdo bal inay ogaadaan.”
  47. [Yuusuf] wuxuu yiri, “Waxaad wax u beeranaysaan toddoba sano oo xiriir ah sida caadiga ah ee waxaad goosataan u daaya sabuulkiisa [dhammaan] wax yar maahee oo aad cunaysaan.”
  48. “Markaas waxaa imaan doona intaas kaddib toddoba [sannadood] oo dardaran [abaaro ah], oo aad cuni doontaan wixii aad horay u dhigateen wax yar maahee oo kamid ah wixii aad kaydsateen.”
  49. “Markaas waxaa imaan doona intaas kaddib sanad ay dadku heli doonan roob badan oo ay dhexdi miiran doonaan [khamri iyo saliid].”
  50. Boqorkii wuxuu yiri, “Iikeena [Yuusuf].” Markiise uu u yimid farriin sidihii, [Yusuuf] wuxuu yiri, “Unoqo taliyahaaga oo waydii xaalka haweenkii iska sarsaray farahooda? Hubaashii, Rabbigay [Allaah] waa og yahay dhagartooda.”
  51. [Boqorkii] wuxuu ku yiri [haweenkii], “Muxuu ahaa arrinkiinnu markii aad doonteen Yuusuf naftiisa?” Haweenkii waxay yiraahdeen, “Xaashaa lillaahe! Kuma aannu ogin wax xumaan ah.” Marwadii Al- Caziiz [waziirka] waxay tiri, “Haatan xaqu waa u cad yahay [cid kasta], waxay ahayd aniga tii doontay oo dalabtay Yuusuf naftiisa, oo hubaashii isagu run buu sheegay.”
  52. [Markaas buu Yuusuf yiri, “Waxaan u codsaday arrinkan] si uu isagu [Al-Caziiz] u ogaado inaanan ku khiyaanin maqnaantii. Oo xaqiiqdii! Allaah ma toosiyo dhagarta khaa’iniinta.”
  53. “Oo kama barii yeelayo naftayda [eedaysanaanta]. Xaqiiqdii, nafta [aadanahu] waxay amrid badan tahay xumaanta, in maahee Rabbigay ku galladaysto Naxariistiisa [ciddii uu doono korkiisa]. Xaqiiqdii, Rabbigay waa danbi dhaaf Badane, Naxariis Badan.”
  54. Oo boqorkii wuxuu yiri, “Iikeena [Yuusuf] si aan gooni uga dhigto naftayda.” Markii uu la hadlay wuxuu yiri, “Waxaad adigu maanta agtayada ku tahay awoodle aamin ah.”
  55. Wuxuu [Yuusuf] yiri, “Iga yeel mas’uulka khaznadaha arlada [waziirka koowaad ahaan ee Masar gudaheeda, booskii Al-Caziiz oo mowtanaa waqtigaa]. Waxaan anigu ahay aamin, cilmi leh.”
  56. Sidaas baan ugu siinnay awood dhan Yuusuf arlada [Masar], si uu u hanto oo maamul dhan ugu yeesho dhexdeeda, markii iyo meeshii uu doonaba. Waxaan ku galladaysannaa Naxariistayada ciddii aan doonno, oo ma dhuminno abaalka muxsiniinta [sama falayaasha].
  57. Oo xaqiiqdii, abaalka Aakhirada baa u wanaagsan kuwa [Xaqa] rumeeyay oo xumaha ka dhowrsasda.
  58. Oo waxaa yimid Yuusuf walaalihiis, waxayna usoo galeen xaggiisa, wuuna aqoonsaday iyagoo aan garanayn.
  59. Markii uu u diyaariyay raashinkoodii [oo u siiyay si waafaqsan rabitaanka iyo baahidooda rarkooda oo u oofiyay miisidda] wuxuu yiri, “Iikeena walaalkiin aad isku aabbaha tihiin [Bin Yamiin]. Sow arki maysaan inaan bixiyo beeg dhan, iyo inaan anigu u wanaagsanahay inta wax marti galisa oo meel dajisa?”
  60. “Haddiise aydaan iikeenin, kuma lahaan doontaan wax beeg [miisid] ah agtayda, oo ha iisoo dhawaanina.”
  61. Waxay yiraahdeen, “Waxaan isku dayi doonnaa inaan idan uga helno aabbihi, waana falaynaa [sidaas].”
  62. Wuxuu [Yuusuf] ku yiri adeegayaashiisii, “U dhexgaliya lacagtoodii [ay ku iibsadeen raashinka] rarkooda, si ay u gartaan markii ay unoqdaan reerkooda, bal inay soo laabtaan.
  63. Markii ay u laabteen aabbahood, waxay yiraahdeen, “Aabbow! Waa naloo diiday wax beeg ah [hadda kaddib haddii uusan na raacin walaalkayo], ee nala dir walaalkayo [Bin Yamiin], waxaan heli doonnaa beeggayaga, innaguna waan ilaalinaynaa isaga.”
  64. Wuxuu yiri, “Ma waxaan idiinku aamini karaa waxaan ahayn sidii aan idiinku aaminay walaalki [Yuusuf] awal hore? Allaah baase xafid wanaagsan, oo Isaga baa u Naxariis Badan inta naxariisata.”
  65. Markii ay fureen rarahoodii waxay heleen lacagtoodii oo loo soo ceshay. Waxay yiraahdeen, “Aabbow! Maxaan [kaloo] rabi karnaa? Tani, lacagtayadii waa naloo soo ceshay, marka waxaan ugu soo heli doonnaa raashin [hor leh] reerkayaga oo soo kororsan doonnaa rati muggiis oo beeg ziyaado ah. Taasu waa mid u fudud [waziirku inuu baxshaa].”
  66. Wuxuu [Yacquub] yiri, “Idinkuma dari doono jeer aad isiisaan wacad Allaah inaad dib iigu keeni doontaan, in idinka naf ahaantiinna laydin hareereeyo maahee oo idin qabsadaan [cadowyo iyo wixi lamida].” Markii ay siiyeen wacadkooda, wuxuu yiri, “Allaah baa waxa aannu leennahay markhaati ka ah.”
  67. Oo wuxuu yiri, “Maandhooyinow! Haka galina albaab kaliya ee ka gala albaabbo kala duwan, waxnana idiinkama tari karo xagga Allaah. Xaqiiqdii, Xukunka waxaa iska leh Allaah Kaliya. Isaga baan tala saartay ee dhammaan kuwa wax tala saarta oo isku halleeya, Allaah ha talo saarteen oo ha isku halleeyeen.”
  68. Markii ay u galeen si waafaqsan taladii aabbahood, waxba ugama tarin innaba ha ahaatee [Doonistii] Allaah, ee waxay ahayd oo kaliya xaajo ku jirtay nafta Yacquub oo uu gutay, wuxuuna ahaa mid la siiyay cilmi wax aan barnay ah, laakiinse dadka badankiisu ma oga.
  69. Oo markii ay u galeen Yuusuf, wuxuu usoo dhoweeyay xaggiisa walaalki [Bin Yamiin] oo yiri, “Waxaan anigu ahay walaalkaa, ee haka murugoon waxay falayeen.”
  70. Markii uu u diyaariyay raashinkoodii, wuxuu dhex galiyay koombadii [dahabka ee wax lagu beegayay] rarka walaalki. Dabadeedna dhawaaqe baa dhawaaqay [leh], “Safaryahow! Waxaad tihiin tuugo.”
  71. Intay kusoo jeesadeen bay waxay yiraahdeen, “Maxaad waydeen?”
  72. Waxay yiraahdeen, “Waxaan waynay koombadii [dahabka ahayd] ee boqorka, kii isagu keenaana wuxuu leeyahay [abaal gud ah] awr muggiis [oo raashin ah], aniga baana ka damiin ah.”
  73. Waxay yiraahdeen, “Waa nagu Wallaahay! Waad og tihiin inaannaan u imaan inaan ku falno fasahaad arlada, oo ma ahin tuugo.”
  74. Waxay [raggii Yuusuf] yiraahdeen, “Waa maxay abaalkiisu haddii [ay idin ku caddaato in] aad tihiin beenaalayaal?”
  75. Waxay [Yuusuf walaalihi] yiraahdeen, “Jaazada iyo abaalkiisu waa in kii rarkiisa laga dhex helo, loo haysto [addoon ahaan] ciqaab ahaan [danbiga uu galay]. Sidaas baan ku jaazaynaa daalimiinta.”
  76. Markaasuu wuxuu [fatashihii] ka billaabay [baaritaanka] weelashoodii ka hor weelkii walaalki, markaasuu kasoo bixiyay weelkii walaalki. Sidaas baan ugu tabaynnay Yuusuf. Kuma uusan qaadi karin walaalki xeerkii boqorka, haddii aan Allaah doonin [markaas buu Allaah ka yeelay walaalihi inay u hoggaansamaan xeerkoodii ciqaabta [waa u qaadashada addoon ahaan wixii ay tuugnimo ku caddaato]. Waxaan u qaadnaa kor darajooyin ciddii aan doonno, waxaase ka korreeya kuwaa la siiyay cilmiga, cilmi badanaha [Allaah].
  77. Waxay [Yuusuf walaalihi] yiraahdeen, “Haddii uu xaday, waxaa jiray mid walaalki ah [Yuusuf] oo wax xaday [isaga] ka hor.” Wuxuuse Yuusuf ku qarsaday siraha iyo waxyaalaha uu og yahay naftiisa, isagoo aan u muujin. Wuxuu ku yiri [naftiisa si hoose oo kula hadlay], “Idinkaa ku jira shar kan u daran, Allaah baana ogsoon xaqiiqda waxa aad sheegaysaan.”
  78. Waxay yiraahdeen, “Mudanow! Wuxuu leeyahay aabbe oday wayn ah [oo u murugoon doona] ee midkayo u qaado meeshiisa. Waxaan kuu aragnaa inaad kamid tahay sama falayaasha.”
  79. Wuxuu [Yuusuf] yiri, “Allow magantaa, inaan qaadanno qof aan ahayn kii aan alaabtayada ka hellay [haddii aan sidaas yeello] waxaan markaas innagu nahay daalimiin.”
  80. Markii ay ka quusteen bay isula baxeen faq gaar ah. Koodii u waynaa baa wuxuu yiri, “Ma waydaan ogayn in aabbihiin idin kasoo qaaday wacad Allaah? Waxaadna horay ugu xad gudubteen Yuusuf. Sidaa awgeed anigu kama tagi doona arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Allaah xukumo arrinkayga [in lasoo daayo Bin Yamiin] Isaga baana [Allaah] u wanaagsan inta wax xukunta.”
  81. “Ulaabta aabbihiin oo dhahaya, ‘Aabbow! Wiilkaagii [Bin Yamiin] wax buu xaday, oo ma marag furayno waxaan ahayn wixii aan ognahay, oo ma ogaan karin Ghaybka [waxa qarsoon aan muuqan].’”
  82. “Oo waydii [dadka] magaaladii aan joognay iyo safarradii aan lasoo noqonnay, oo run baan sheegaynaa.”
  83. Wuxuu [Yacquub] yiri, “Mayee, naftiinna baa idiin qurxisay arrin, ee sabar fiican [baa ila gudboon]. Waxaa laga yaabaa in Allaah [dib] iigu keeno iyagoo dhan. Waana Isaga Cilmi Badanaha, Xikmadda Badan.”
  84. Waana iskaga jeesaday xaggooda oo yiri, “Hahe, u murugooday Yuusuf!” Wuxuuna beelay araggiisii murugo darteed oo noqday mid aad u tiiraanyaysan.
  85. Waxay yiraahdeen, “Waa nagu Wallaahaye! Inaadan waligaa dayn doonin hadal haynta Yuusuf jeer aad noqoto maliil da’ ah, ama kamid noqoto maytida.”
  86. Wuxuu [Yacquub] yiri, “Waxaan oo kaliya u sheeganayaa murugadayda iyo kaliya walbahaarkayga Allaah, oo waxaan ka ogahay xagga Allaah wax aydaan ogayn.”
  87. “Maandhooyinow! Taga oo soo daydaya [warkii] Yuusuf iyo walaalki, oo haka quusannina Naxariista Allaah, hubaashii cidina kama quusato Naxariista Allaah aan ahayn qoomka gaalada ah.”
  88. Markii ay usoo galeen [Yuusuf] waxay yiraahdeen, “Mudanow! Waqti adag baa nasoo maray innaga iyo ehelkayagaba, waxaana la nimid raasumaal yar, ee nasii beeg dhan oo noo sama fal, xaqiiqdii Allaah baa u abaal guda sadaqaystayaasha.”
  89. Wuxuu yiri, “Ma ogtihiin wixii aad ku fasheen Yuusuf iyo walaalkiis idinkoo markaas ah jaahiliin?”
  90. Waxay yiraahdeen, “Oo adigu ma waxaad tahay Yuusuf?” Wuxuu yiri, “Waa aniga Yuusuf, kanina waa walaalkay [Bin Yamiin]. Allaah baa noo nicmeeyay. Xaqiiqdii kii ka cabsada Allaah oo sabra, Allaah ma lumiyo abaalka sama falayaasha.”
  91. Waxay yiraahdeen, “Waa nagu wallaahaye! Waxaa dhabtii nooga kaa roonaaday Allaah, waxaannuna innagu hubaashii ahayn kuwo gafsan.”
  92. Wuxuu yiri, “Ma aha korkiinna canaan maanta, Allaha idiin danbi dhaafo, oo Isaga baa u Naxariis Badan inta naxariisata.”
  93. “La taga shaarkaygaan, oo kaga tuura wajiga aabbahay, wuxuu noqon doonaa mid wax arka, oo iikeena ehelkiinna oo dhan.”
  94. Oo markii safarkii soo ambabaxay, aabbahood wuxuu yiri, “Waxaan anigu helayaa caraftii Yuusuf, waa haddii aydaan ii maleenayn isku daran.”
  95. Waxay yiraahdeen, “Waa nagu Wallaahaye! Waxaad hubaashii ku sugan tahay dhunsanaantaadii hore [Jacaylkii Yuusuf].”
  96. Markii uu yimid bishaaro sidihii, wuxuu uga tuuray [shaarka] wajigii [Yacquub] korkiisa, oo wuxuu noqday mid wax arka. Wuxuu yiri, “Sow idinkuma oran waxaan anigu ka ogahay xagga Allaah wax aydaan ogayn?”
  97. Waxay yiraahdeen, “Aabbow! Nooga bari danbi dhaaf [Allaah] dunuubtayada, waxaannu ahayn kuwo gafsan.”
  98. Wuxuu yiri, “Waxaan idiin waydiin doonaa Rabbigay danbi dhaaf, xaqiiqdii waa Isaga danbi dhaaf badanaha, naxariista badan.”
  99. Markii ay usoo galeen Yuusuf, wuxuu usoo dhoweeyay waalidki xaggiisa oo yiri, “Ku gala Masar, haddii Allaah idmo, idinkoo nabad ah.”
  100. Oo wuxuu u kor yeelay waalidki xagga carshigii [sariir boqoreedkii] waxayna hortiisa kula dhaceen sujuud [salaan ahaan], oo wuxuu yiri, “Aabbow waa tan fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu ka yeelay xaq [sugan], runtiina waa iwanaajiyay markii uu igasoo saaray xabbiska, oo idin keenay [dhammaantiin halkan] isagoo idin kasoo saaray noloshii miyiga, kaddib markii uu Shaydaan ku abuuray cadaawad dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaashi Rabbigay waa u roonaan iyo turid badan yahay ciddii uu doono. Runtii waa Isaga Cilmi Badanaha, Xikmadda Badan.”
  101. “Rabbiyow! Waxaad runtii igu galladaysatay mulki [xukun], oo ibartay fasirka riyooyinka, Kan [Kaliya] ee askumayow cirarka iyo dhulka! Adigaa ah Waligayga [Ilaaliye, Wakiil, Gacal iyo wixi lamida] adduunkan iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, oo iga daba gee wanaagsanayaasha.”
  102. Waxakani waa wararka kamid ah Cilmi Ghaybka oo aan kuugu soo gudbinno waxyi ahaan adiga [Muxammadow]. Ma aadan ahayn mid la jooga iyaga markii ay isku duween qorshahoodii iyagoo dhan [iyo sidoo kale markii] ay wax qooleyeen.
  103. Oo dadka badankiisu ma rumayn doonaan aad kuba dadaashide.
  104. Oo kuma waydiisatid iyaga [kuwa beeniya Nabinnimadaada] wax ujro ah [Diinta], [Qur’aankuna] wax kale ma aha aan ahayn waanada Caalamka.
  105. Oo intee calaamo oo ku sugan cirarka iyo dhulka bay maraan iyagoo kasiijeeda.
  106. Oo badankoodu ma rumeeyaan Allaah inay ku dheehan yihiin shirki maahee.
  107. Ee ma waxay ka yihiin aamin inay ku timaaddo dabooshada daran ee Cadaabta Allaah ah, ama inay ugu timaaddo Saacadda [Aakhiro] kado iyagoo aan filayn?
  108. Dheh [Muxammdow], “Kani waa jidkayga [Islaamka], waxaan ugu yeerayaa dadka xagga Allaah si ildheeri leh iyo cilmi dhan, aniga iyo cid kastoo iraacdaba. Oo waxaa nazahan oo korreeya Allaah [ka korreeya dhammaan waxa ay la wadaajinayaan cibaadada]. Aniguna kamid ma ahi mushrikiinta.”
  109. Oo uma aannu soo dirin hortaa [Rusullo ahaan] waxaan ahayn rag aan u waxyoonno oo ka tirsan dadka degmooyinka. Ee ma waysan soconin dhulka oo fiirinin sida ay ahayd ciribta kuwii ka horreeyay? Oo xaqiiqdii, Daarta Aakhiro baa u wanaagsan kuwa ka cabsada Allaah oo iska jira xumaha. Ee ma waydaan garasho Iahayn?
  110. [Waana loo dib dhigay ciqaabta] ilaa markii ay quusteen Rusushii oo moodeen in laga beeniyay [xagga qoomkoodii] waxaa u yimaada gargaarkayaga, waxaana badbaadinaynaa ciddii aan doonno, lagamana celiyo baaskayaga [ciqaabtayada] qoomka danbiilayaasha ah.
  111. Waxaa dhabtii ugu sugan qisooyinkooda waano waxgaradka. Ma aha [Qur’aanku] sheeko la been abuurtay, laakiinse waa rumayn kutubtii Allaah [Towraadda iyo Injiilka iyo Kutubta Allaah ee kale] ee ka horreeyay iyo faahfaahinta wax kasta, iyo hanuun iyo naxariis qoomkii xaqa rumayn.

Suuradda 13aad: Ar-Racdi [Onkodka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Alif Laam Miim Raa. [Xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah [Kaliya] baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo.] Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka [Qur’aanka], oo waxa lagaaga soo waxyooday [Muxammadow] xagga Rabbigaa waa Xaq, laakiinse dadka badankiisu ma rumaysna.
  2. Allaah waa Kan kor u qaaday cirarka tiirar la’aan aad aragtaan, markaas ku Istawooday [ka kor ahaaday] Carshiga [si u qalanta oo ku habboon Waynidiisa]. Wuxuuna sakhiray qorraxda iyo dayaxa [inay ku socdaan wareegaysigooda] mid walbaa ku ordayso [marriinkeeda] ilaa muddo magacaaban, Wuxuu maamulaa arrimaha uunka oo dhan, oo ufaahfaahiyaa si cad Aayadaha, si aad la kulanka Rabbigiin u yaqiinsataan.
  3. Oo Waa Isaga Kan fidiyay dhulka, oo yeelay dhexdiisa buuro taagan iyo wabiyo, oo nooc walba oo miraha ka mid ahna ka yeelay labo nooc [macnaha madow iyo caddaan, macaan iyo qaraar, yar iyo wayn, iyo wixi lamida]. Wuxuu ku daboolaa habeenka maaalinta. Xaqiiqdii, waxyaalahan gudahood, waxaa ugu sugan aayaat [tusaalooyin] qoomkii fekeraya.
  4. Dhulkana waxaa ah gaballo deris ah [isku dhow] iyo beero canabyo ah, iyo zarac [masaggo, galley iyo qamadi] iyo timir laamo leh iyo mid aan laamo ahayn oo lugtool ah, oo laga wada waraabiyo biyo keliya, oo weliba qaarkeed aan ka fiicneyno qaarka kale xagga cunidda [dhadhanka]. Xaqiiqdii, waxyaalaban gudahood waxaa ugu sugan aayaat [calaamooyin iyo wixi lamida] qoomkii wax fahmaya.
  5. Oo haddii aad [Muxammadow] la yaabto [mushrikiintan beeniya Towxiidka iyo inay sameysteen Allaah la jirki ilaahyo been ah ay la gees iyo bar bar caabudaan kuwaasoo aan u hanan karin dhib iyo dheef midna], waxaa ka yaab badan sidoo kale hadalkooda ah: “Ma markii aan noqonno ciid, miyaa nala soo [bixin] doonaa abuur cusub ahaan?” Kuwaasi waa kuwa ku gaalooba Rabbigood. Oo waa kuwaas kuwa laga yeeli doono silsilado bir ah luqumahooda, waana kuwaas ehlu Naarka, iyagoo dhexdeeda ku waaraya.
  6. Oo waxay ku weydiistaan inaad u soo dedejiso xumaanta ka hor samaanta, waxaana tagay hortood tusaalooyin [ciqaabeed], oo xaqiiqdii Rabbigaa waa u danbi dhaaf iyo cafis badan yahay dadka iyagoo ay jirto dulmi falkooda, oo xaqiiq, Rabbigaa waa ku daran yahay ciqaabta
  7. Oo waxay gaaladu yiraahdaan, “Maxaa calaamo [mucjizo] looga soo dejin waayay xagga Rabbigi?” Waxaad adigu tahay oo keliya dige, qoom walbaana waxaa jira hanuuniye.
  8. Allaah waa og yahay waxa ay dheddig walbaa qaaddo, iyo intee in le’eg bay ilma- galeennadu ka dhimaan [muddadooda ama tiradooda] ama dhaafaan. Wax walbaa agtiisa waxay leeyihiin qaddar go’an.
  9. Waa Ogsoonaha Ghaybka [waxa qarsoon ama maqan aan muuqan] iyo waxa muuqdaba, [waana] Waynaha Sarreeya.
  10. Waa isugu mid haddii midkiin qarsado hadalka ama la tannaagodo, iyo haddii uu isku qariyo habeenka ama bannaanka maro maalintii.
  11. [Qof] walbaa waxaa jira malaa’ig isu daba mara, oo hortiisa iyo gadaashiisa ah, waxay ku ilaaliyaan isagaa Amarka Allaah. Xaqiiqdii! Allaah kama beddelo xaalad wanaagsan oo ay qoom ku sugan yihiin marba haddii ay iyagu naf ahaantoodu beddelin xaaladdooda samaanta ah [inay galaan danbiyo oo ka abaal dhacaan kuna caasiyaan Allaah]. Markiise uu Allaah la doono dhibaato qoom, ma jiraan wax dib u celin kara, oo ma leh Allaah sokadi wax gargaare ah.
  12. Waa Isaga [Allaah] Kan idin tusa hillaaca, cabsi galin ahaan [socotada] iyo rajo galin ahaan [kuwaa suga roobka], waana Isaga Kan keena [ama curiya] daruuraha ku culaabsan [biyo].
  13. Wuxuuna onkodku nazahaa oo ammaanaa [Allaah], sidaas oo kale bayna falaan malaa’igta waynayn iyo ka heybeysi Allaah darteed, oo Wuxuu soo diraa hanqarka oo ku dhuftaa ciddii uu doono, iyaguna [gaaladu] waxay ka doodayaan arrimaha Allaah Isagoo ciqaabtiisu daran tahay.
  14. Waxaa u sugnaaday Baryada Xaqa ah [macnaha waa in Isaga Keliya la caabudo oo la baryo], waxa kasoo harayna ay [mushrikiintu iyo gaaladu] baryaan waxba ma ajiibaan, oo waa sida mid ku fidiyay calaacalihiisa [afka ceel sal dheer isagoo u yeeranaya] biyo ku jira si ay u soo gaaraan afkiisa, mase soo gaarayaan, oo ma aha baryada gaaladu waxaan ahayn mid ku dhacda meel cidla ah.”
  15. Oo waxaa Allaah u sujuuda wax kasta oo ku sugan cirarka iyo dhulka oggolaansho iyo khasabba, iyo hoosaskooda subax iyo galabba.
  16. Dheh [Muxammadow], “Waa kuma Rabbiga cirarka iyo dhulka?” Dheh, “[Waa] Allaah.” Dheh, “Ma waxaad u sameysataan [inaad caabuddaan] awliyaa [ilaaliyayaal, gargaarayaal iyo wixi lamida] Allaah sokadi, kuwaasoo aan u hanan karin naftooda wax awood ah ay wax ugu taraan ama wax ku yeelaan?” Dheh, “Ma siman yihiin kan indhaha la’ iyo kan wax arka? Ama mugdiga ma la mid baa nuurka?” Mise waxay u yeelaan Allaah shariigyo abuuray wax la mid ah abuurkiisa? Sidaa awgeed waxaa isaga ekaaday abuuriddii [ay sameeyeen iyo uunka Allaah]. Dheh, “Allaah waa Abuuraha wax walba, oo waa Waaxidka Qahridda badan.”
  17. Wuxuu kasoo dejiyaa biyo [roob] cirka, markaas bay togahu taagtood rogmadaan, oo daadku qaadaa xumbada kor sabbaysa, oo [sidoo kale xulyada ama quruxda] ay ku kulaalaan dabka si ay uga sameeyaan xulyado la mid ah, sidaas buu Allaah ugu yeelaa [mataallo] xaqa iyo baadilka. Marka, xagga xumbadu iyadoo xaafood ah bay tegtaa daamaha [gowyaha], halka waxa anfaca dadka ay ku haraan dhulka. Sidaas buu Allaah u soo qaataa mataallo uu ku kala muujinayo [xaqa iyo baadilka].
  18. Abaalgudka kuwa ajiibay yeeritaanka Rabbigood [oo rumeeyay Towxiidka oo raacay Rasuulkiisa Muxammad] waa Al-Xusnaa [tan wanaagga badan, Janno]. Kuwase aan ajiibin yeeritaanka Allaah [ee ku gaaloobay Towxiidka oo aan raacin Rasuulkiisa Muxammad] haddii ay lahaan lahaayeen waxa yaal dhulka oo dhan oo ay wehliso wax la mid ah waxay u ajiibi lahaayeen si ay uga badbaadiyaan nafahooda [cadaabka waxse uguma aalli doonto]. Kuwaasi waxaa u sugnaaday xisaab xun [daran], oo hoygoodu waa Naar, oo iyada baa u xun gogol.
  19. Ma mid og in waxa lagaaga soo dajiyay [Muxammadow] xagga Rabbigaa inuu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la’? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansama.
  20. Oo ah kuwa oofiya Axdiga Allaah, oo aan jabin miithaaqa [aan ka bixin wacadka, ballanka, axdiga, heshiiska].
  21. Oo ah kuwa xiriiriya wixii Allaah amray in la xiriiriyo [macnaha waa wanaajiya qaraabadooda, oo aan goyn xiriirka qaraabannimo], oo ka cabsada xisaabta daran [macnaha waa ka jooga dhammaan danbiyada noocay ahaadaanba, oo guta nooc kasta oo ah camallo wanaagsan oo uu Allaah waajibiyay].
  22. Oo ah kuwa sabra, iyagoo doonaya Wajiga Rabbigood, oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo wax uga bixiya wixii aan ku irzaaqnay korkooda sir iyo saaqba, oo kala hortaga xumaanta samaan, kuwaa waxay leeyihiin aayatiin wanaagsan.
  23. Beeraha negaadiga ee Jannati Cadni, oo ay gali doonaan, iyo [sidoo kale] kuwii u dhaqmay si toosnaan ah oo ka mid ah aabbayaashood, afooyinkood, iyo ubadkoodaba. Malaa’igtuna waxay uga soo gali doonaan albaab walba [iyagoo leh]:
  24. “Nabad korkiinna ha ahaato sabarkiinna dartiis. Waxaa wanaag badan Daarta Fiican ee dambe.”
  25. Kuwase jebiya axdiga Allaah kaddib adkayntiisa, oo gooya wuxuu Allaah amray in la xiriiriyo [macnaha waa gooya xiriirka qaraabada oo aan wanaajin qaraabadooda], oo ku sameeya fasahaad dhulka, kuwaas waxaa u sugnaaday lacnad iyo guri baas.
  26. Allaah wuxuu u fidiyaa riziqa ciddii uu doono, oo ku ciriiriyaa [ciddii uu doono], waxayna ku farxaan nolosha adduunkan, iyadoo nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada ay tahay oo keliya sahay iyo raaxo muddo gaaban ah oo dhammaanaysa.
  27. Oo waxay yiraahdaan kuwa gaaloobay, “Maxaa calaamo [mucjizo] looga soo dejin waayay isaga [Muxammad] xagga Rabbigi ah?” Dheh, “Xaqiiqdii, Allaah wuxuu dhumiyaa kii uu doono oo u soo hanuuniyaana xaggiisa kuwa ula soo noqda toobada.”
  28. Kuwa [Xaqa] rumeeyay, oo ay quluubtoodu ku xasisho xusidda Allaah. Xaqiiqdii, xusidda Allaah bay ku xasishaa quluubtu.
  29. Kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, Duubaa [waxaa loola jeedaa waxa barwaaqo iyo farxad jira Jannada ama waa magac geed ku yaal Jannada] waa abaalkooda iyo rug wanaagsan oo meel noqodka [dambe] ah.
  30. Sidaas baan kuugu soo dirnay [Muxammadow] ummad ay horteed ummado tageen, si aad ugu aqrido waxa aan kuu waxyoonnay, iyaguna waxay ku gaaloobaan Raxmaanka [Allaah]. Dheh, “Waa Rabbigayl Cidina xaq uma leh in la caabudo Isaga maahee! Isaga baan tala saartay, xaggiisa ula noqon toobada.”
  31. Oo haddii uu jiri lahaa Qur’aan buuraha lagaga dhaqaajin karo [meelahooda], ama dhulka loogu kala googoyn karo gaballo, ama lagula hadli lahaa meytida [ma ahaadeyn waxaan ahayn Qur’aankan]. Balse arrinka wax waliba wuxuu la jiraa Allaah. Mawaysan kuwa [xaqa] rumeeyay weli ogaan in haddii Allaah doono uu hanuunin lahaa dadka oo dhan? Balaayona kama joogi doonto inay ku dhacdo kuwa gaalooba acmaashooda [xun] darteed, ama iyadu [waa balaayadu] waxay degtaa meel ku dhow degaankooda, ilaa uu yabooha Allaah ka yimaado. Hubaashii, Allaah kama baxo yaboohiisa.”
  32. Oo waxaa dhabtii lagu jeesjeesay rusul [badan] hortaa [Muxammadow], waxaanse siiyay kansho kuwii gaaloobay oo u sugay kaddibna waan qabtay, ee sidee bay mid daran u aheyd ciqaabtaydii.
  33. Ee ma mid Isagu [Allaah] haya xilka [dhowra, daryeela, irzaaqa, agaasima] naf walba oo ogsoon wixii ay kasbatay [baa la mid ah ilaahyada kale ee la sameystay aan ogeyn waxba] waxayna u yeeleen shariigyo Allaah. Dheh, “Magacaaba! Mise waxaad Allaah uga warrameysaan wax uusan ku ogeyn dhulka mise waa uun hadal been ah oo afka baarkiisa ah?” Mayee! Waxaa loo qurxiyay kuwa gaaloobay dhagartooda, oo waxaa laga duway Jidka Toosan, oo kii Allaah uu baadiyeeyo, ma laha wax hanuuniya.
  34. Waxay leeyihiin cadaab ah nolosha adduunka, waxaana hubaashii sii daran cadaabka Aakhirada, mana laha wax ka celiya.
  35. Tilmaanta Jannada loo yaboohay kuwa u hoggaansan Allaah oo ka dhowrsada xumaha, hoosteeda webiyo baa qulqula, riziqeedu waa daa’in, waana sidaa hooskeedu, tani waa ciribta dambe ee kuwa ka dhowrsada xumaha, ciribta gaaladuna waa Naar.
  36. Kuwa aan siinnay Kitaabka [sida Cabdullaahi bin Salaam iyo Yuhuudda kale ee soo galay Islaamka] waa ku farxaan waxa lagugu soo dajiyay [Qur’aanka], waxaase jira xizbiyada dhexdooda [oo ka mid ah Yuhuudda iyo mushrikiintaba] kuwa diida qaarki. Dheh [Muxammadow], “Waxaa sideedaba la i amray inaan caabudo Allaah [keliya] iyo inaan u yeelin wax shariig ah. Xaggiisa baan u yeerayaa, xaggiisa baana u noqon.”
  37. Sidaas baan u soo dajinnay [Qur’aanka] si uu ahaado xukum lagu kala baxo oo af Carabi ah. Haddiina aad raacdo [Muxammadow] hawooyinkooda kaddib cilmiga kuu yimid, kama heli doontid xagga Allaah wax wali ah [gargaare] iyo ilaaliye.
  38. Oo waxaan dhabtii soo dirnay rusul hortaa [Muxammadow] waxaana u yeelnay afooyin iyo ubadba. Mana laha rasuul inuu la yimaado calaamo [mucjizo] idanka Allaah ma ahee. Arrin iyo wax walbaa waxaa jira ajal [xagga Allaah ah oo] qoran.
  39. Wuxuu Allaah tiraa wixii uu doono oo sugaa [wixii uu doono] agtiisana waxaa ah Hooyada Kitaabka [Lawxul Maxfuud].
  40. Haddii aan ku tusno [Muxammadow] qaar ka mid ah waxa aan u yaboohayno ama ku oofsannoba, waxaa uun korkaaga ah gaarsiinta [Diinta], annagana waxaa na saaran xisaabintooda.
  41. Ma waysan arkayn inaan uga nimaanno dhulka darfaha Annagoo nuqsaaminayna [waa tilmaan guulaha Muslimiinta iyo gacan ku-dhigiddooda dhulalka gaalada iyo furashadooda ama tilmaam abaaraha], oo Allaah baa wax xukuma, oo ma jiro wax ka daba imaan kara xukumkiisa, waana ku dhaqso badan yahay xisaabta.
  42. Oo waxaa dhabtii wax dhagray kuwii ka horreeyay, waxaase [tab] oo idil leh Allaah. Wuxuu og yahay waxa ay kasbato naf walba, waxayna ogaan doonaan gaaladu cidda yeelan doonta ciribta wanaagsan.
  43. Waxayna yiraahdaan kuwa gaaloobay, “Adigu [Muxammadow] ma tihid rasuul.” Dheh, “Waxaa marag ugu filan dhexdeenna Allaah iyo kuwa haysta cilmiga kitaabka [sida Cabdullaah bin Salaam iyo Yuhuudda kale iyo Nasaarada soo galay Islaamka].”

Suuradda 14aad: Ibraahiim

Ku Bilaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

  1. Alif Laam Raa [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah [kaliya] baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo]. [Kani waa] kitaab aan kuugu soo dajinnay [Muxammadow] si aad uga saarto dadka mugdiyada [gaalnimada iyo shirkiga] xagga Nuurka [Islaamka] si idanka Rabbigood ah xagga Jidka Awood Badanaha, iska leh ammaan oo idil.
  2. Allaah ee iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, oo hoog waxaa leh gaalada kasoo gaari doona xagga cadaab daran.
  3. Kuwa ka jecleysta nolosha adduunka Aakhirada, oo ka hor istaaga [dadka] Jidka Allaah [waa Islaamka] oo la doona qallooc, kuwaasi waxay ku sugan yihiin baadi fog.
  4. Oo kuma soo dirno rasuul waxaan ahayn afka qoomkiisa si uu ugu caddeeyo [dhambaalka]. Wuxuuna Allaah baadiyeeyaa kii uu doono, oo hanuuniyaa kii uu doono, waana isaga awood badanaha, xikmadda badan
  5. Oo waxaan dhabtii lasoo dirnay Muusaa aayadahayaga [calamooyin, tusaalooyin, caddaymo] Annagoo leh, “Uga saar qoomkaaga mugdiyada xagga Nuurka, oo xusuusi ayaamaha Allaah. Xaqiiqdii, waxaa taasi ugu sugan aayaad [tusaalooyin, caddaymo, calaamooyin], qof kasta oo sabar iyo shukrin badan.
  6. [Oo xus] markii uu Muusaa ku yiri qoomkiisa, “Xusuusta Nicmadda Allaah korkiinna markii uu idinka badbaadiyay qoomkii Fircoon oo idin dhadhansiin jiray cadaab daran, oo gawracayay wiilashiinna, oo u daynayay haweenkiinna nolol [dullaysanayay], waxaana ku sugnaa tani gudaheeda balaayo [imtixaan] xagga Rabbigiin ah oo wayn.
  7. [Oo xus] markii uu Rabbigiin idin ogaysiiyay, “Haddii aad shukridaan [macnaha waa haddii aad aqbashaan diinta Islaamka idinkoo aan caabudaynin cidna Allaah maahee, raacayana Rasuulka], waxaan idin siin doonnaa ziyaado [ah barakooyinkeyga], haddiise aad abaal dhacdaan [yacni gaalowdaan], xaqiiqdiil cadaabtaydu waa mid daran.”
  8. Oo wuxuu Muusaa yiri, “Haddii aad gaalowdaan idinka iyo waxa jooga dhulka oo dhan, xaqiiqdiil Allaah waa Qani [hodan ka deeqtoon wax waliba cid iyo shey uu u baahan yahay aanay jirin] iska leh ammaan iyo mahad oo idil.”
  9. Sow idinma soo gaarin, warkii kuwii idin ka horreeyay, qoomkii Nuux, Caad, Thamuud, iyo kuwii ka dambeeyay? Ma oga [tiradooda] Allaah maahee. Waxay ula timid rusushoodii xujooyin cadcad, waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda [iyagoo la qaniinaya caro iyo ciil darti] oo yiraahdeen, “Innagu waan ku gaalownay waxa la idinla soo diray, waxaana innagu ka qabnaa waxa aad noogu yeereysaan [Islaamka] shaki badan.”
  10. Rusushoodii waxay yiraahdeen, “Ma Allaah baa shaki ku jiraa, askumaha cirarka iyo dhulka? Wuxuu idiinku yeerayaa [Islaamka iyo inaad daacad u ahaataan] si uu idiinku dhaafo danbiyadiina oo idiin siiyo kansho [fursad] ilaa muddo magacaaban ah.” Waxay yiraahdeen, “Ma tihidin waxaan ahayn dad nala mid ah! Waxaadna rabtaan inaad naga duwdaan waxay caabudi jireen aabbayaashayo, ee noo keena xujo cad [oo la xiriira waxa aad leedihiin].”
  11. Rusushoodii waxay ku yiraahdeen, “Ma ahin waxaan ahayn dad idin lamid ah, laakiinse Allaah wuxuu siiyaa oo ku mannaystaa [fadligiisa] ciddii uu doono oo kamid ah addoomihiisa, noomana suurtowdo inaan idiin keenno xujo idanka Allaah maahee, oo Allaah [kaliya] ha talo saarteen Mu’miniintu.”
  12. “Oo maxaan u tala saaran waynay Allaah isagoo nagu hanuuniyay jidadkayaga, waana ku sabraynaa dhibka aad noo gaysataan, oo Allaah [kaliya] ha talo saarteen tala saartayaashu.”
  13. Oo waxay ku yiraahdeen kuwii gaaloobay rusushoodii, “Waxaynu idinka saaraynaa dhulkayaga, ama waxaad kusoo noqonaysaan diintayada.” Wuxuuna Rabbigood u waxyooday, “Waan halaagi doonnaa daaliminta.”
  14. Oo waxaan idin dajin doonnaa dhulka iyaga kaddib. Tani waxaa leh kii ka cabsada hor istaaggayga [maalinta Qiyaamaha] oo ka cabsada gooddigayga.”
  15. [Rusushii] way gargaar dalbeen, oo waxaa hoogay isla wayne kasta oo macangag madax adag ah.
  16. Oo waxaa ka horraysa [mid kasta oo isla wayne macangag ah oo madax adag] Naar, waxaana laga waraabin doonaa biyo karaya oo milil ah [malax iyo wixi lamida].
  17. Wuuna ku margan doonaa, mana ka degayo, wuxuuna uga imaanayaa mawtku meel kasta, mana dhimanayo, hortina waxaa ah cadaab qallafsan.
  18. Mataalka kuwa ku gaaloobay Rabbigood camalladoodu waa sida dambas oo kale ay ku dhacday dabayl maalin dabayl dhabasho daran, ma karaan inay ka helaan wixii ay kasbadeen waxna, taas baa ah baadida fog.
  19. Ma waydaan arkayn inuu Allaah u abuuray cirarka iyo dhulka xaq? Haddii uu doonona idin tagsiin kara oo keeni kara [booskiinna] uun cusub.
  20. Oo taasi Allaah kuma adka [oo aad bay ugu fududdahay].
  21. Oo waxay dadku usoo bixi doonaan oo ka wada muuqan Allaah horti [maalinta Qiyaamaha] iyagoo dhan, markaasay kuwii ducafada ahaa [raciyyada] ku oran doonaan kuwii isla waynaa [madaxda ahaa], “Innagu idinka baan idiin raaceynay, ee wax ma nooga tari kartaan cadaabka Allaah?” Waxay oran doonaan, “Haddii uu Allaah na hanuunin lahaa, waa idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid [haatan] calaacallayaa ama u sabarnayaa [adkaysannayaa cadaabahan]. Ma lihin meel maciin iyo irkad noo ah.”
  22. Wuxuuna oran doonaa Shaydaan marka arrinka la xukumo, “Xaqiiqdii, Allaah wuxuu idiin yaboohay yabooh xaq ah, aniguna sidoo kale waan idiin yaboohay, waanse idiin ka baxay. Idinkumana lahayn khasab waase idiin yeeray oo aad i maqasheen. Marka aniga ha i eedina ee eeda naftiinna. Anigu idiinma gargaari karo, idinkuna iima gargaari kartaan. Anigu diiday oo barii baan ka ahay falkiinnii hore oo ah iga yeeliddiinna aniga [Shaydaan ah] shariig ahaan Allaah la jirki [idinkoo igu adeecay noloshii adduunka]. Xaqiiqdii, daalimiintu [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.”
  23. Waxaana la galin doonaa kuwii [Xaqa] rumeeyay oo falay camallo wanaagsan oo suubban beero hoostooda ay wabiyo qulqulayaan, iyagoo dhexdeeda ku waaraya [Jannada gudaheeda] idanka Rabbigood, salaantoodu dhexdeeda waa Salaam [nabad qaba].
  24. Ma waadan ogaan sida Allaah ugu soo qaatay mataal Kalmadda Wanaagsani [waa Kalmadda Towxiidka] inay la mid tahay geed wanaagsan oo jirriddiisu sugan tahay, laamihiisuna [gaaraan] cirka [aad u kor yihiin].
  25. Kusoo saarta miraheeda waqti walba idinka Rabbigeed, oo Allaah wuxuu usoo qaadaa mataallo dadka bal inay waantoobaan.
  26. Oo mataalka kalmadda xun [shirkiga] waa sida geed xun oo laga rujiyay dhulka korkiisa oo aan lahayn wax sugnaan ah.
  27. Wuxuu ku sugaa Allaah kuwa [xaqa] rumeeyay Kalmadda Sugan nolosha adduunka [macnaha waxaa weeye waxay wadi doonaan caabudaadda Allaah kaliya, oo cid kale caabudi mayaan], iyo Aakhiradaba, oo wuxuu Allaah dhumiyaa daalimiinta. Oo Allaah wuxuu falaa wixii uu doono.
  28. Ma waadan ogaan kuwa ku beddelay nicmaddii Allaah gaalnimo [inay beeniyeen darteed Nabi Muxammad iyo Islaamka], oo dajiyay dadkoodii guri baas?
  29. Naar bay gali doonaan, iyada baana u xun meel lagu sugnaado.
  30. Oo waxay u yeelaan Allaah shariigyo si ay uga lumiyaan [dadka] Jidkiisa. Dheh, “Ku raaxaysta [noloshiinna gaaban] aayihiinnu waa Naare.”
  31. U sheeg [Muxammadow] addoommahayga [Xaqa] rumeeyay, inay u oogaan salaadda si wanaagsan, oo wax uga bixiyaan sadaqo ahaan waxa aan ku irzaaqnay sir iyo saaqba inta aysan imaan maalin aysan jiri doonin ganac iyo saaxiibnimo midna [Qiyaamaha].
  32. Allaah waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada oo kasoo dajiya biyo [roob] samada, oo kusoo saara miro riziq idiin ah, oo wuxuu idiin sakhiray [yeelay oo layliyay] doomaha inay ku socoto badda amarkiisa, oo idiin sakhiray wabiyada.
  33. Oo wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, labaduba joogto ugu socdaan rugahooda, oo idiin sakhiray habeenka iyo maalinta.
  34. Oo wuxuu idin siiyay wax kamid ah wixii aad waydiisateen oo dhan, oo haddii aad tirisaan nicmooyinka Allaah, ma koobi kartaan. Xaqiiqdii, Aadamuhu waa dulmi badane abaal dhac badan.
  35. [Oo xus] markii uu Ibraahiim yiri, “Rabbiyow! Ka yeel baladkan [Makka] aamin [nabad], oo naga fogee aniga iyo carruurtaydaba inaan cabudno sanammo.”
  36. “Rabbiyow! Waxay dhumiyeen in badan oo kamid ah dadka, ee kii i raaca, aniga buu iga mid yahay, kii igu caasiyana, Adiga baa ah danbi dhaaf badane, naxariis badan.”
  37. “Rabbiyow! Waxaan ka yeelay qaar kamid ah durriyadaydii inay dagaan tog aan zarac lahayn, oo baytkaaga xurmadda leh [Kacbada Makka ku taal] agtiis ah, Rabbiyow si ay ugu oogaan salaadda si wanaagsan, ee uga buuxi quluubta qaar dadka kamida jacayl xaggooda ah, [oo Allow] ku irzaaq miro bal inay shukriyaan.”
  38. “Rabbiyow! Waxaad ogtahay waxa aan qarinayno iyo waxa aan muujinaynaba, oo kama qarsoona Allaah waxba dhulka korkiisa ama cirka gudahiisa.”
  39. “Ammaan iyo mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah ee i siiyay anigoo wayn oo da’ ah Ismaaciil iyo Isxaaq. Xaqiiqdii, Rabbigay waa maqlaha baryada.”
  40. “Rabbiyow! Iga yeel mid u ooga salaadda si wanaagsan, aniga iyo caruurtaydaba, Rabbiyow oo iga aqbal.”
  41. “Raabiyow! Ii danbi dhaaf aniga iyo waalidkay iyo mu’miniinta maalinta ay dhici doonto xisaabta.”
  42. Oo ha moodin in Allaah moog yahay waxa ay falayaan daalimiintu [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha, iyo wixi lamida], ee wuxuu dib ugu dhigayaa maalin ay taagmi doonaan dhexdiisa indhuhu.
  43. Iyagoo horay u dagdagaya, oo madaxa kor ugu taagay [xagga samada] libiqsigooda uusan usoo noqonayn xaggooda oo qalbiyadoodu yihiin kuwo ka maran [feker kale oo dhan cabsi wayn darteed].
  44. Oo uga dig [Muxammadow] dadka maalinta uu u imaanayo cadaabka, markaas waxay kuwii dulmiga falay oran doonaan, “Rabbiyow! Dib noo dhig xoogaa muddo yar ah oo dhow si aan ajiibno yeeriddaada oo aan u raacno rususha!” [Waxaa lagu oran doonaa], “Ma waydaan ku dhaaran awal hore inaydaan uga tagayn [adduunka xagga Aakhirada].”
  45. “Oo waxaad degteen guryihii kuwii dulmiyay naftooda, waxaana idiin caddaatay sidii aan ku falnay, oo waxaan idiin soo qaadannay mataallo [badan].”
  46. Oo waxay dhabtii qooleen qoolkooda, qoolkooduna wuxuu ag yiil Allaah, inkastoo uu qoolkoodu yahay mid wayn, [haddana] ma aha mid ay la zuulaan [tagaan] buuruhu [buuro dhab ah ama sharciga Islaamka].
  47. Ee ha moodin inuu Allaah uga baxayo yaboohiisa rusushiisa. Xaqiiqdii, Allaah waa awood badane, aar gudasho leh.
  48. Maalin [buuna oofinayaa] dhulka loo baddali doono dhul kale iyo samooyinkaba, oo waxay [dhammaan uumanka] usoo bixi doonaan oo la hor keeni doonaa Allaah, Waaxidka, qahridda badan.
  49. Oo waxaad arki doontaa mujrimiintii [mushrikiintii, gaaladii iyo danbiilayaashii] maalintaas oo iskula xirxiran silsilado.
  50. Dharkoodu yahay daamur [laami naar ah], oo waxaa dabooli doona wajiyadooda Naar.
  51. Si uu Allaah uga abaal mariyo naf walbaa wixii ay kasbatay. Xaqiiqdii, Allaah waa ku dhaqso badan yahay xisaabta.
  52. [Qur’aan] kani waa farriin ku socota dadka oo dhan [iyo xujo cad oo korkooda ah], si loogu digo iyo si ay u ogaadaan inuu ilaaha kaliya ee xaqa ah uu yahay Allaah, iyo inay ku waana qaataan waxgaradku.

Suuradda 15aad: Al-Xijri [Dhadhaabka Togga]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Alif Laam Raa [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Alle [kaliya] baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo]. Kuwakani waa aayadaha Kitaabka, iyo Qur’aan iska cad.
  2. Waa intaasoo ay [in badan] jeclaan doonaan kuwa gaaloobay [Aakhirda] inay ahaadaan Muslimiin.
  3. Ee u daa inay wax cunaan oo raaxaystaan oo ku mashquulaan hididdiillo [been] ah, waa ogaan doonaane.
  4. Oo ma jirto magaalo aan halaagnay oo aan lahaan jirin Qaddar Allaah oo qoran oo waqti la yaqaan leh.
  5. Kama hor mari karto ummad ajasheeda, oo kama dib dhici karto.
  6. Oo waxay yiraahdeen, “Kan [Muxammad] lagu soo dejiyayow Xuska [Qur’aanka]! Adigu waad waalantahay.”
  7. “Maxaad noogu keeni wayday malaa’ig haddii aad run sheegeyso?”
  8. Umana soo dejinno malaa’igta waxaan ahayn xaq [waa cadaabid iyo wixi lamida], oo markaasna lama sugeen [gaalada] oo lama siiyeen kansho [fursad].
  9. Waa Annaga kuwa soo dajinnay Xuska [Qur’aanka] oo Annaga baa hubaashii ka dhowrayna [falaad, bi’in, beddelid iyo wixi lamida].
  10. Oo Waxaan dhabtii soo dirnay rusul hortaa [Muxammadow] qolooyinkii [ummadahii] hore dhexdood.
  11. Oo ma jirin rasuul u yimid oo aysan ku jeesjeesi jirin.
  12. Sidaas baan u gallinaa [shirkiga iyo gaalnimada] qalbiyada mujrimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha].
  13. Ma rumaynayaan [Qur’aanka], oo waxaa horay u tagay mataalkii [ciqaabkii Allaah ee] kuwii hore ku dhacday.
  14. Oo haddii aan uga furno albaab cirka oo ay ahaan lahaayeen kuwo kora,
  15. Waxay hubaashii oran lahaayeen, “Waxaa la sarcaadiyay indhahayagii. Mayee, waxaannu nahay qoom la sixray.”
  16. Oo Waxaan dhabtii yeelnay samada xiddigo waawayn [ama rugo ay xiddiguhu degaan] oo Waxaana u qurxinnay fiiriyayaasha.
  17. Oo Waxaan ka ilaalinnay [samada agteeda] shaydaan kasta ee la lacnaday.
  18. Mid maahee dhegta raariciya oo maqalka xada, waxaana laga daba geeyaa dambaabur muuqda oo dab ah.
  19. Oo dhulka waa fidinnay, waxaana u yeellay buuro sugan, oo Waxaan kasoo bixinnay wax kasta oo miizaaman.
  20. Oo Waxaan idiinku yeellay dhexdiisa asbaabta maciishadda, aad leedihiin idinka iyo kuwa aydaan irzaaqinba [noole kasta oo dhulka jooga, duunyo, dugaag, iyo xoolo kaleba].
  21. Oo ma jiro wax aannaan hayn khaznadihiisa, oo kuma aan soo dejinno waxaan ahayn qaddar la ogyahay.
  22. Oo Waxaan soo dirnaa dabaylaha tallaala [daruuraha] markaas baan ka soo dejinnaa biyo [roob] cirka, aan idin ka waraabinno, oo ma aha idinka kuwa leh khaznadihiisa.
  23. Oo hubaashii waa Annaga kuwa bixiya nolosha, oo sababa dhimashada, oo waa Annaga dhaxlayaasha.
  24. Oo waxaan dhabtii ognahay kuwiinii hore ee tegay, oo waxaan dhabtii ognahay kuwa dib ka iman doona.
  25. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa waa soo wada kulmin doonaa iyagoo dhan. Xaqiiqdii, waa xikmad qadane, cilmi badan.
  26. Oo Waxaan dhabtii ka abuurnay Aadamaha dhoobo qow leh oo madow jilicsan oo doorsoontay ah.
  27. Jinkana, waxaan ka abuurnay awal hore dab kulul oo ololaya.
  28. [Oo xus] markii uu Rabbigaa ku yiri malaa’igta, “Waxaan ka abuurayaa qof [Aadam] dhoobo qow leh oo madow jilicsan oo doorsantay ah.”
  29. “Ee markii aan ekeeyo oo aan ku afuufo ruuxdayda, ula dhaca [idinku] sujuud [salaan ahaan].”
  30. Markaas bay malaa’igtii sujuudeen iyagoo dhan.
  31. Ibliis maahee, waa u diiday inuu wax ka sujuudo.
  32. [Allaah] wuxuu yiri, “Ibliisow! Maxaad leedahay oo aad wax uga sujuudi wayday?”
  33. [Ibliis] wuxuu yiri, “Anigu ma ahi mid u sujuudaya qof aad ka abuurtay dhoobo qow leh oo madow jicilisan oo doorsoontay ah.”
  34. [Allaah] wuxuu yiri, “Ka bax xaggeeda, waxaad tahay mid la lacnaday.”
  35. “Oo waxaa xaqiiq dushaada ah lacnad ilaa maalinta Jaazaynta [Qiyaamaha].”
  36. [Ibliis] wuxuu yiri, “Rabbiyow! Isii kansho [fursad] ilaa maalinta lasoo bixin doono [maytida].”
  37. Allaah wuxuu yiri, “Waxaad kamid tahay kuwa la sugayo.”
  38. “Ilaa maalinta waqtiga la qabtay ah.”
  39. [Ibliis] wuxuu yiri, “Rabbiyow! Inaad i baadiyaysay darteed, waxaan wallee u qurxin doonaa jidka baadida dhulka korkiisa, oo waa baadiyayn doonaa iyagoo dhan.”
  40. “Marka laga reebo addoomahaaga aad dooratay [ee kuu kali yeela cibaadada].”
  41. [Allaah] wuxuu yiri, “Kani waa jidka idin gayn doona toos xaggayga.”
  42. “Hubaashii, addoomahayga kuma yeelan doontid wax awood ah korkooda, marka laga reebo kuwa ku raaca oo kamid ah al-Ghaawiin [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida].”
  43. “Oo hubaashii, Naarta Jahannama waa halka loo yaboohay iyagoo dhan.”
  44. “Waxay leedahay toddoba albaab, albaab walbaa oo kamid ah albaabbadaa waxaa loogu tala galay qolo [gaar ah oo danbiilayaasha kamid ah].”
  45. Xaqiiqdii, kuwa u hoggaansan amarrada Allaah ee ka dhowrsada xumaha waxay dhex ahaan doonaan beero iyo ilo.
  46. [Waxaa lagu oran doonaa], “Ku gala [Jannada] nabad idinkoo aamin ah.”
  47. “Oo Waxaan ka saari doonnaa laabahooda wax dareen isdhibsi ah [iyo cuqdad haddii ay wax jiraan, marka waxay ahaan doonaan] walaalo ku sugan carshiyo [sariiro ama kursiyo boqoreed kor ah] is qaabilsan.”
  48. “Kuma taaban doono gudaheeda daal, oo xaggeeda lagama soo bixin doono.”
  49. Ogeysii [Muxammadow] addoomahayga inaan Anigu ahay danbi dhaaf badanaha, naxariista badan.
  50. Iyo in cadaabtaydu tahay cadaabta xanuunka badan.
  51. Oo uga warran [qisada] martidii [malaa’igta ahayd] ee Ibraahiim.
  52. Markii ay u soo galeen, oo yiraadeen, “Salaam [nabad korkaaga ha ahaato]!” [Ibraahiim] wuxuu yiri, “Waxaan innagu idin ka qabnaa dareen [cabsi] ah.”
  53. Waxay [malaa’igtii] yiraahdeen, “Ha cabsan. Waxaana kuugu bishaaraynaynaa wiil cilmi badan.”
  54. [Ibraahiim] wuxuu yiri, “Ma waxaad iigu bishaaraynaysaan [wiil] anigoo ay i soo taabatay fil wayni? Ee maxaad iigu bishaaraynaysaan?”
  55. Waxay [malaa’igtii] yiraahdeen, “Waxaan kuugu bishaaraynaynaa wax run ah, ee ha kamid noqon kuwa quusta.”
  56. [Ibraahiim] wuxuu yiri, “Oo yaa ka quusta naxariista Rabbigi aan ahayn kuwa dhunsan?”
  57. [Ibraahiim] wuxuu yiri, “Waa maxay hawsha aad u timaaddeen, kuwaan la soo dirayow?”
  58. Waxay [malaa’igtii] yiraahdeen, “Waxaa naloo soo diray qoom ah mujrimiin [mushrikiin, gaalo iyo wixi lamida].”
  59. “Reer Luud ma’ahee. waannu badbaadin doonnaa iyagoo dhan.”
  60. Marwadiisa ma’ahee, waxaan qaddarnay inay kamid ahaato kuwa ku haraya gadaal [ee la halaagi doono].
  61. Markii ay u yimaadeen reer Luud rusushii [malaa’igtii] lasoo diray.
  62. Wuxuu yiri, “Waxaad tihiin qoom aan la garanayn.”
  63. Waxay yiraahdeen, “Mayee, waxaannu kuula nimid [cadaabkii] ay ka shakiyayeen.”
  64. “Oo waxaan kuu keennay xaq [warka halaagidda qoomkaaga] oo waxa aan sheegayno waa run.”
  65. “Ee la guuree ehelkaaga inta habeenka ah, oo soco gadaashooda, oo yaan midkiinna soo milacsan gadaal oo aada meesha la idin amray.”
  66. Oo waxaan u waxyoonnay amarkaas ah, in ciribta [danbiilayaashaa] la goyn doono subaxa horeba.
  67. Oo waxaa yimid dadkii magaalada iyagoo bishaaraysanaya oo ku faraxsan [warka imaanshaha marti dhallinyaro ah].
  68. [Luud] wuxuu yiri, “Kuwakanu waa martidaydii ee ha igu ceebaynina.”
  69. “Oo ka cabsada Allaah oo ha i dullaynina.”
  70. Waxay [dadkii magaaladu] yiraahdeen, “Ma waannaan kaa reebin inaad marti galiso [ama naga celiso] caalamka [dadka shisheeyaha ah, socotada iyo wixi lamida]?”
  71. [Luud] wuxuu yiri, “Kuwaanu [gabdhaha qoomkay] waa gabdhahaygii [si aad u guursataan si sharci ah oo bannaan] haddii aad falaysaan.”
  72. Waa igu cimrigaaga’e [Muxammadow], waxay ku jireen sarkhaankoodii ay ku jaha wareersanaayeen.
  73. Markaas baa waxaa qabtay sayxa [cadaab qaylo daran] qorrax soo bixiiba.
  74. Oo waxaan u rognay [magaalooyinkii Saduum ee ku yiil Falastiin] af gambi oo kusoo daadinnay korkooda roob ahaan dhagaxyo naar ah.
  75. Hubaashii, tani gudaheed waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax u fiirsada [fekera ama fahma ama ka qaato cibrad calaamooyinka Allaah].
  76. Oo waxay [magaalooyinkaas] ku yaalliin toos waddada [ka baxda Makka oo aadda Suuriya, meesha hadda loo yaqaan Badda Maytan].
  77. Waxaa tani hubaashii ugu sugan calaamo mu’miniinta.
  78. Oo waxay reer hawdkii [reer Madyan ee loo diray Shucayb] ahaayeen daalimiin.
  79. Markaas baan ka aargudannay, oo waxay labaduba ku yaallaan waddo cad [oo la yaqaan].
  80. Oo waxay dhabtii beeniyeen reer Xijri [qoladii dhadhaabkii togga] rusushii.
  81. Oo waxaannu siinnay calaamooyinkayagii, waxayse ahaayeen kuwa xaggeeda ka jeesada.
  82. Oo waxay ahaayeen kuwo ka qorta buuraha guryo iyago aamin ah.
  83. Markaas baa waxaa qabatay sayxa [cadaab qaylo daran ah] waabarkiiba.
  84. Oo wax uma tarin waxay kasbanayeen.
  85. Oo uma aannu abuurin cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn xaq, oo hubaashii Saacaddu waa imanaysaa, ee iska saamax [Muxammdow gafafkooda] saamixid qurxoon.
  86. Xaqiiqdii, Rabbigaa waa abuuraaga cilmiga badan.
  87. Oo waxaannu dhabtii ku siinnay toddobada soo noqnoqota [Suuradda Al-Faatixa] iyo Qur’aanka Wayn.
  88. Ee ha u taagin indhahaaga waxa aan ugu raaxaynnay qaybo kamid ah [gaalada] hana u murugoon, oo u raarici [nuglee] garabkaaga mu’miniinta.
  89. Oo dheh, “Waxaan anigu idiin ahay dige iska cad.”
  90. Sidii aan ugu soo dajinnayba cadaab qaybsanayaashii [mushrikiinta Quraysh] ee isku dhaarsaday [diiddada xaqa].
  91. Ee ka dhigay Qur’aanka qaybo [macnaha waa rumeeyay qaar, ku gaaloobayna qaarka kale].
  92. Ee waa igu Rabbigaaye [Muxammadow], waxaan hubaashii su’aali doonnaa dhammaantood.
  93. Waxa ay fali jireen.
  94. Ee gaarsii si cad [fartiinta Allaah, Islaamka] ee lagu amray, oo isaga jeeso mushrikiinta.
  95. Annaga baa kaa kaafiyayna kuwa jeesjeesa.
  96. Kuwaasoo u yeela Allaah la jirki ilaah kale, way ogaan doonaan [waxa ku dhaca].
  97. Oo waxaan dhabtii ognahay inay la ciriiryoonto laabtaadu waxa ay yiraahdaan.
  98. Ee ku taasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo kamid ahow kuwa u sujuuda [Allaah.]
  99. Oo caabud Rabbigaa ilaa ay kuu timaaddo yaqiinta la hubo [geeridu].

Suuradda 16aad: An-Naxli [Shinnida]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waa imaan amarka Allaah [saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada iyo mushrikiinta ama guusha Islaamka], ee ha degdegsinnana. Ka nazahan [Allaah] oo waa ka sarreeyaa waxa ay u shariig yeelaan.
  2. Wuxuu lasoo dajiyaa malaa’igta waxyi amarkiisa ah [oo uu kusoo dajiyo] ciddii uu doono oo addoomahiisa kamid ah [isagoo leh], “U diga dadka [ oo u sheega] inuusan jirin ilaah xaq u leh in la caabudo aniga [Allaah] maahe, ee iga cabsada.”
  3. Wuxuu ku abuuray cirarka iyo dhulka xaq, waa ka sarreeyaa oo ka kor yahay waxa ay shariig yeelayaan.
  4. Wuxuu ka abuuray Aadamaha nudfa [biyo shahwad ah, mino], mise wuxuu noqdaa col iska cad oo dood badan.
  5. Xoolahana wuu idiin abuuray, waxaa dhexdeeda idiin ku sugan dugsi [dhar dugsi leh] iyo manaafacaad badan oo kale, oo iyaga baad wax ka cuntaan.
  6. Oo waxaa idiin ku sugan qurux marka aad keentaan guriga fiidkii iyo marka aad u foofinaysaanba daaqa subaxii.
  7. Oo waxay idiin ku qaadaan culaysyadiinna dhul aydaan gaarteen naftoo dhibtoota ma’ahee. Xaqiiqdii, Rabbigiin waa turid badane, naxariis badan.
  8. [Oo wuxuu idiin abuuray] fardo, baqallo iyo dameerro inaad fuushaan iyo qurux ahaanba, oo wuxuu abuuri doonaa wax aydaan ogayn.
  9. Allaah bayna saaran tahay xilka inuu caadeeyo jidka toosan, waxaase jira jidad qallooc ah [sida shirkiga, Yuhuudnimada, Kirishtaanimada, bidcada iyo wixi lamida]. Oo haddii uu [Allaah] doono waa uu idin wada hanuunin lahaa dhammaantiin.
  10. Allaah waa kan idiin kasoo dajiyay biyo [roob] cirka, xaggiisa aad ka cabtaan, biyahaasoo [soo saara] geedaha aad u dirtaan xoolahiinna inay soo daaqaan.
  11. Wuxuu idiin kusoo bixiyaa zarac, zaytuun, geedaha timirta, canabyada iyo nooc walba oo miraha ah. Xaqiiq, tani gudaheed waxaa ugu sugan calaamo qawmkii fakaraya.
  12. Oo wuxuu idiin sakhiray habeenka iyo maalinta, qorraxda iyo dayaxa, xiddiguhuna waxay ku sakhiran yihiin amarkiisa. Hubaashii, tani gudaheed waxaa ugu sugan tusaalooyin qawmkii garasho leh.
  13. Iyo wuxuu idiin ku abuuray dhulka korkiisa oo midabbo kala duwan leh. Tani gudaheeda waxaa ugu jira aayad [tusaale, calaamo, cibrad] qawmkii waansamaya.
  14. Waana isaga [Allaah] kan idiin sakhiray badda si aad uga cuntaan hilib cusub oo dubaax ah [kaluun] iyo si aad ugalasoo baxdaan qurux aad xirataan. Waxaadna aragtaa doomaha oo dhex jeexaya badda gudaheeda, si aad ugu doonataan [sidaa] deeqdiisa iyo bal inaad shukridaan.
  15. Oo wuxuu idiin ku yeelay dhulka buuro sugan oo taagan, si uusan idiin la dhaqaaqin, iyo wabiyaal iyo waddooyin si aad ugu toostaan.
  16. Iyo calaamado iyo xiddigo [inta habbeenka ah] ay [dadku] ku toosaan.
  17. Ma mid wax abuura baa lamid ah mid aan wax abuurin? Ma waydaan waansamayn?
  18. Oo haddii aad tirisaan nicmooyinka Allaah, ma koobi kartaan. Xaqiiqdii, Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan
  19. Oo Allaah waa og yahay waxa aad qarsanaysaan iyo waxa aad muujinaysaanba.
  20. Oo kuwa ay iyagu [mushrikiintu] baryayaan Allaah sokadi ma ay abuuraan waxba, balse iyaga baa la abuuray.
  21. [Waa] mayti aan nolol ku jirin, mana oga goorta lasoo bixin doono.
  22. Ilaahiinnu waa Ilaah mid ah [Allaah, cidina uma leh xaq in la caabudo isaga maahe]. Kuwase aan rumaysnayn Aakhirada, qalbiyadoodu waa diidaan oo ka didaan [Tawxiidka], oo waa isla wayn yihiin.
  23. Shaki ma leh, in Allaah og yahay waxa ay qarsanayaan iyo waxa ay muujinayaanba. Xaqiiqdii, Allaah majecla kuwa isla waynayaasha ah.
  24. Oo marka lagu yiraahdo, “Waa maxay waxa uu Rabbigiin soo dajiyay?” Waxay yiraadaan, “Sheekooyinkii dadkii hore.”
  25. Waxay qaadi doonaan culaysyadooda [danbiyadooda] oo dhan maalinta Qiyaamaha, iyo sidoo kale culaysyada [danbiyada] kuwa ay ku dhumiyeen cilmi la’aanta. Alla xumaa waxa ay [danbiyo] xambaaranayaan.
  26. Waxaa dhabtii dhagar maleegay kuwii iyaga ka horreeyay, wuxuuse Allaah uga yimid aasaaska dhismayaashoodii, markaas buu saqafkii kusoo dumay iyaga korkooda, waxayna uga timid cadaabtu meelo aysan filayn.
  27. Kaddibna maalinta Qiyaamaha waa uu dufayn doonaa, wuxuuna oran doonaa, “Meeye wixii [aad ku sheegi jirteen inay ila yihiin shariigyo oo aad] iyaga dartood ula doodi jirteen [mu’miniinta, idinkoo ku taxaddinayay oo ku caasiyoobayay Allaah]?” Kuwana la siiyay cilmiga ee u war hayay [cadaabka Allaah ee loo diyaarshay gaalada] waxay oran doonaan, “Xaqiiqdii, dulli maanta iyo xumaanba waxay dushooda tahay gaalada.”
  28. Kuwa ay oofsanayaan malaa’igtu iyagoo dulmiyaya nafahooda [ku jira shirki iyo macaasi] waxay keeni doonaan is dhiibid [iyo hoggaansamid dhan iyagoo leh], “Ma aannu fali jirin wax xumaan ah.” [Malaa’igtu waxay ku jawaabi doonaan] “Mayee, xaqiiqdii, Allaah waa og yahay waxa aad falayseen.”
  29. “Ee gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Maxay meel baas ahaatay hoyga isla waynayaasha!”
  30. Oo [goortii] lagu yiraahdo kuwaa ka dhawrsada xumaha, “Waa maxay waxa uu Rabbigiin soo dajiyay?” Waxay yiraahdaan, “Khayr.” Xagga kuwa ku fala wanaag adduunyadan waxay leeyihiin wanaag, oo daarta Aakhira baa u khayr badan. Wax wanaagsan oo barwaaqo badan waa daarta kuwa ka dhawrsada xumaha!
  31. Beeraha nagaadiga oo ay gali doonaan oo ay hoostoodu wabiyo qulqulayaan, waxay ku yeelan doonaan gudaheeda waxay doonaan. Sidaas buu Allaah ku abaal mariyaa kuwa ka dhawrsada xumaha.
  32. Kuwa ay nafahoodu malaa’igtu oofsato iyagoo ku jira xaalad suubbanaan ah [oo daahir ka ah shirki iyo macaasi, oo aan caabudayn cidna Allaah kaliya maahee] iyagoo ku leh, “Nabad korkiinna ha ahaato. Gala idinku Jannada waa wixii aad camal [suubban] ku fali jirteen [adduunka] darteed.”
  33. Ma way [gaaladu iyo mushrikiintu] sugayaan waxaan ahayn inay u timaaddo malaa’igtu si ay u qaadaan nafahooda [waqtiga geerida] ama u yimaado amarka Rabbigaa [waa cadaabka ama maalinta Qiyaamaha]? Sidaas oo kale bay faleen kuwii ka horreeyay, oo Allaah ma dulmiyin, laakiinse iyaga baa naftooda dulmiyi jiray.
  34. Waxaana ku dhacay xumaanihii waxay faleen, waxaana ku dagay wixii [cadaabkii] ay ku jeesjeesi jireen.
  35. Waxayna yiraahdeen kuwii Allaah la wadaajiyay cibaadada cid kale, “Haddii uu Allaah doono ma aanaan caabudneen waxba aan ahayn Allaah innaga iyo aabbayaashayo midna, oo ma xarrimneen waxbana [amarkiisa] la’aanti.” Sidaas oo kale bay faleen kuwii ka horreeyay, ee rususha ma waa la saaray wax kale aan ahayn inay u gaarsiiyaan [dadka] fartiinta si cad?
  36. Oo waxaan dhabtii kasoo bixinnay ummad walba rasuul [leh], “Caabuda Allaah [kaliya], oo ka hara [ama ka fogaada] daaquud [Shaydaanka].” Markaa baa waxaa kamid noqday qaar Allaah hanuuniyay, oo waxaa kamid noqday qaar baadinnimadu ku waajibtay, ee socda dhulka oo fiiriya sida ay ahayd ciribta kuwii [xaqa] beeniyay.
  37. Haddii aad [Muxammdow] ku dadaashid hanuunkooda, xaqiiqdii Allaah ma hanuuniyo cid uu dhuminayo [ama cidina ma hanuunin karto kii uu Allaah lumiyo], mana helaan wax u gargaara.
  38. Oo waxay ku dhartaan Allaah dhaartooda ugu adag in Allaah soo bixin doonin kii dhinta. Mayee [waa soo bixin doonaa], waa ballan saaran oo xaq ah, laakiinse dadka badankiisu ma oga.
  39. Waa si uu ugu caddeeyo xaqa ay isku khilaafsan yihiin, iyo si ay u ogaadaan kuwa ku gaaloobay [Islaamka] inay ahaayeen beenaalayaal.
  40. Sideedaba qawlkayagu marka aan wax doonno waa oo kaliya inaan ku niraahno, “Ahaw!” Waana ahaadaa.
  41. Oo kuwii usoo haajiray Allaah darti kaddib markii la dulmiyay, waxaan hubaashii ku siin doonnaa adduunka meeqaan wanaagsan, waxaase kasii wayn abaalka Aakhiro, haddii ay ogaan lahaayeen.
  42. [Kuwaasu] waa kuwa ku sugnaada sabarka oo Rabbigood [Allaah kaliya] tala saarta.
  43. Oo ma aannu dirin [rusushayada ahaan] adiga hortaa [Muxammdow] waxaan ahayn rag aan u waxyoonnay [inay diinta fidiyaan oo ugu yeeraan dadka Tawxiidka iyo camallada san], ee waydii kuwa cilmiga leh, haddii aydaan ogayn.
  44. Caddaymo iyo kutub [baan lasoo dirnay rususha], oo waxaan kugusoo dajinnay [Muxammdow] Waanada [Qur’aanka], si aad ugu caddaysid dadka waxa loosoo dajiyay, bal inay ka fakaraan.
  45. Mise waxay kuwa qoola xumaanaha aamin ka yihiin in Allaah la gooyo dhulka, ama uga yimaado cadaabku meelo aysan filayn?
  46. Ama ku qabto [Allaah] iyagoo dhexda uga jira usocodkooda ama ka imaanshahooda [shaqooyinkooda]? Sidaa awgeed ma jirto meel ay kaga baxsan karaan [cadaabka Allaah].
  47. Ama ku qabto [faqri iyo cudurro] iyagoo cabsan? Xaqiiqdii, Rabbiggiin waa lurid badane, naxariis badan.
  48. Ma waysan arkayn waxyalaaha uu Allaah abuuray, [sida] hoosaskoodu ugu iilanayaan midigta iyo bidixda, iyagoo u sujuudaya Allaah iyagoo u khushuucsan?
  49. Oo Allaah waxaa usujuuda waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka oo dhul ku socod ah iyo malaa’igtaba, iskamana wayneeyaan sujuuddiisa.
  50. Waxay ka cabasanayaan Rabbigood ka korreeya, oo waxay falaan wixii la amro.
  51. Oo Allaah wuxuu yiri, “[Dadow!] Ha yeelannina labo ilaah. Xaqiiqdii, Allaah waa mid kaliya, ee aniga iga baqa.”
  52. Oo Allaah baa leh waxa ku sugan cirarka iyo dhulka, oo waxaa u sugnaaday diinta waasibka [macnaha waa u hoggaansanka iyo adeecidda Allaah si joogta ah, waa waajib faral ah], we ma cid aan Allaah ahayn baad ka cabsanaysaan?
  53. Oo wixii nicmo ah oo aad haysataan waa xagga Allaah, oo markii ay idin taabato dhibaato xaggiisa baad u calaacashaan idinkoo gargaar doon ah.
  54. Oo markii uu idin ka faydo dhibaatada, mise qaar idin kamid ahi baa Rabbigood [Allaah] u shariig yeela.
  55. [Sidaa awgeed] waxay ku gaaloobaan [oo ka abaal dhacaan nicmadaha] aan ku galladaysannay korkooda, ee iska raaxaysta, waadse ogaan doontaan.
  56. Oo waxay u yeelaan wax aysan ogayn [ilaahyo ay been abuurteen] saami [qayb] wixii aan ku irzaaqnay ah. Waa igu Allaah, waa la idin waydiin doonaa waxa aad been abuuranayseen.
  57. Waxayna u yeelaan Allaah gabdho! Waa ka nazahan yahay [oo waa ka sarreeyaa waxa ay wax la wadaajinayaan], iyaguna waxay yeelan wixii ay rabaan.
  58. Oo marka loogu bishaareeyo midkood [dhalashada ilmo] dhaddig ah, wuxuu noqdaa wajigiisa madow, isagoo walbahaarsan.
  59. Wuxuu iska qariyaa dadka xumida waxa lagusoo war galiyay darteed. Ma wuxuu ku haystaa dulli mise ku aaasaa ciidda? Alla xumaa go’aankoodu.
  60. Kuwa aan rumaysnayn Aakhirada waxaa u sugnaaday mataal xun, Allaahna wuxuu leeyahay mataalka sare, waana isaga awood badanaha, xikmadda badan.
  61. Oo haddii uu Allaah u qaban lahaa dadka dulmigooda, ugama tageen [dhulka] korkiisa wax socda laakiinse wuxuu u dib dhigaa ilaa muddo magacaaban, markiina ay timaaddo ajashoodu, kama dib maraan saacad kamana soo hormaraan.
  62. Oo waxay u yeelaan [u nisbeeyaan] Allaah waxa ay la nacaan [naftooda], canabyadooduna waxay sheegaan been inuu u sugnaaday wanaagga badan. Shaki ma leh in jazahooda yahay Naar, oo loo hormarin [laguna dayn halkaa iyagoo aan dan laga lahayn].
  63. Waa igu Allaah, waxaan dhabtii u soo dirnay [rusullo] ummado kaa horreeyay [Muxammadow], wuxuuna u qurxiyay Shaydaan camalladooda, waana isaga waligooda [gacalkooda] maanta, [waa adduunkan dhexdiisa], waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
  64. Oo kuuguma aannu soo dajin [Muxammadow] Kitaabka [Qur’aanka] waxaan ahayn inaad u caddayso dadka waxyaalaha ay isku khilaafsan yihiin, iyo hanuun iyo naxariis [ahaan] qawmkii rumaynaya.
  65. Oo Allaah waa kan kasoo dajiya biyo [roob] cirka, oo ku nooleeya dhulka dhimashadiisa [abaar] kaddib. Xaqiiqdii, tani gudaheed waxaa ugu sugan calaamo [xujo cad] qawmkii wax maqlaya.
  66. Waxaana xaqiiqdii idiin ku sugan xoolaha cibrad, waxaan idinka waraabinnaa waxaa ku jira uurarkooda uus iyo dhiig dhexdood caano saafi ah, oo mari og dhuumaha dhamayaasha.
  67. Iyo miraha geedaha timirta iyo canabyada oo aad ka samaysataan cabbitaan culus [tani waxay ahayd intaan la mamnuucin khamriga] iyo rizqi wanaagsan. Xaqiiqdii, tani waxaa ugu sugan calaamo qawmkii leh garasho.
  68. Oo wuxuu Rabbigaa u waxyooday shinnida, “Ka samayso buuraha guryo iyo geedaha iyo waxa ay taagaanba oo dhismooyin ah.”
  69. Oo markaas wax ka cun miraha oo dhan, oo qaad jidadka Rabbigaa kaaga yeelay sahal.” Waxaa kasoo baxa uurarkeeda sharaab kala midab ah oo caafimaad ugu jiro dadka. Xaqiiqdii, tani gudaheed waxaa ugu sugan calaamo qawmkiii fakaraya.
  70. Oo Allaah baa idin abuuray, misna idin oofsan doona, oo waxaa idin kamid ah qaar loo celiyo cimriga u liita si uu waxba u ogaan kaddib waayo aqoontii. Xaqiiqdii Allaah waa cilmi badane, karaan badan.
  71. Oo Allaah wuxuu uga roonaaday qaarkiinba qaarka kale xagga rizqiga iyo maalka, Marka kuwa loo roonaaday sinnaba uma gacan galiyaan maalkooda iyo hantidooda kuwaa [addoomaha ah] oo ay midigtoodu hanato si ay u noqdaan kuwa u siman waxyaalahaa, ee ma nicmadda Allaah baad diidaysaan?
  72. Oo Allaah wuxuu idiin ka yeelay nafahiinna afooyin idin la nooc ah, oo wuxuu idin ka siiyay afooyinkiina ubad iyo farac, oo wuxuu ku galladaystay korkiinna rizqi wanaagsan, ee ma baadil [ilaahyo been ah] bay rumayanayaan, oo nicmadda Allaah [Islaamka] ku gaaloobayaan?
  73. Oo waxay caabudayaan Allaah sokadi wax aan uga hanan karin wax rizqi ah xagga cirarka iyo dhulka oo waxna karin.
  74. Ee ha u yeelina wax mataallo ah Allaah [waayo ma jiraan wax u dhigma, umana eka cidna]. Xaqiiqdii Allaah baa og ee idinku ma ogidin.
  75. Allaah wuxuu ka yeelay tusaale labo nin [mu’min iyo gaal], addoon [gaal] la leeyahay aan waxba awoodin, [kan kalana] mid [mu’min ah] aan kaga galladaysannay xaggayaga rizqi wanaagsan, oo wax uga bixiya sir iyo saaqba. Ma siinnaan karaan? [Waa may jawaabta.] Ammaan iyo mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, badankooduse ma oga.
  76. Oo Allaah wuxuu [kaloo] usoo qaatay tusaale labo nin, oo midkood af la’yahay [hadli karin] kaasoo aan waxna awoodin [gaal], dhibna ku ah [culays] xigahiisa, meeshii uu u diraba aan ka keenayn khayr. Ninkaasi ma la siman yahay mid [mu’min ah] ee amra caddaalad, oo isagu ku sugan jid toosan? [Jawaabtu waa maya.]
  77. Oo Allaah baa leh [cilmiga] Ghaybka [waxa qarsoon aan muuqan] cirarka iyo dhulka. Oo arrinka saacaddu ma aha waxaan ahayn sida libiqsiga isha, ama kasii dhawba. Xaqiiqdii Allaah wax walba waa karaa.
  78. Oo Allaah wuxuu idin kasoo saaray caloolaha hooyooyinkiin idinkoo aan waxba again, oo wuxuu idin yeelay maqal iyo arag iyo laabo si aad u shukridaan.
  79. Mawaysan arkayn shimbiraha loo sakhiray [oo ku duulaya] hawada cirka? Cidina ma qaban karto aan ahayn Allaah [cidina ma siiso awoodda inay duusho Allaah maahe]. Xaqiiqdii, tani gudaheeda waxaa ugu sugan calaamooyin qawmkii [xaqa] rumaynaya.
  80. Oo Allaah wuxuu idiin ka yeelay guryihiinna degaan aad ku xasishaan, oo wuxuu idiin ka yeelay haragga xoolaha [teendhooyin] idiin fudud maalinta geeddigiinna iyo maalinta nagaadigiinnaba, oo idiin ka yeelay [idaha] duftooda iyo [geela] dhogortooda iyo [riyaha] timahooda qalab iyo alaabo wanaagsan [sida kadiifado, bustooyin iyo wixi lamida] iyo raaxo ilaa muddo ah.
  81. Oo Allaah wuxuu idiin ka yeelay waxa uu abuuray [geedaha] hoosas, oo idiin ka yeelay buuraha gabiyo aad gashaan, oo idiin yeelay dhar idin ka celiya kulaylka [iyo qabawgaba] iyo jaakado bir ah oo idin ka celiya [dhibka] dirirtiinna. Sidaas buu idiin ku iltiraa nicmaddiisa bal inaad isu dhiibtaan [Islaam ahaan].
  82. Ee haddii ay jeeesadaan, xilkaagu [Muxammadow] waa oo kaliya gaarsiinta [diinta] si cad.
  83. Waxay gartaan nicmadda Allaah, sidaa ay tahay waxay ku beeniyaan [inay caabudaan cid kale Allaah sokadi] badankooduna waa gaalo [diida inay raacaan xaqa].
  84. [Oo xus] maalinta aan kasoo saari doonno ummad walba markhaati [rasuulkoodii], markaasna aan loo idmayn kuwii gaaloobay cudur daarasho iyo danbi dhaaf dalabba.
  85. Oo marka ay arkaan kuwii dulmiga [shirkiga iyo macaasida] falay cadaabka, lagama khafiifin doono, oo lama siin doono kansho [fursad].
  86. Oo marka ay arkaan kuwii Allaah u shariig yeelay shariigyadoodii, waxay oran doonaan, “Rabbiyow! Kuwaanu waa shariigyadayadii aan baryi jirnay adiga sokadaa.” Waxayse dib ugu celin doonaan qawlka [iyagoo leh], “Waxaad tihiin beenaalayaal.”
  87. Oo waxay ula imaan doonaan Allaah maalintaas is dhiibid [iyo hoggaansamid dhan], oo waayi doonaan wixii ay been abuuran jireen.
  88. Kuwii gaaloobay oo ka hor istaagay [dadka] jidka Allaah, waxaan ugu dari doonnaa cadaab cadaabta korkeeda wixii ay fasahaad fali jireen darteed.
  89. Oo [xus] maalinta aan kasoo saari doonno ummad walba markhaati ku marag fura oo iyaga kamid ah, oo waxaan kuu keeni doonnaa [Muxammadow] markhaati ahaan kuwaas korkooda. Waxaana kugusoo dajinnay Kitaabka [Qur’aanka] caddayn ahaanta wax walba, iyo hanuun iyo naxariis iyo bishaarada kuwa isu dhiiba Allaah [Muslimiinta].
  90. Xaqiiqdii, Allaah wuxuu amraa caddaalad iyo sama fal iyo siinta kaalmo qaraabada, wuxuuna reebaa xumaanta iyo munkarka iyo gardarrada. Waa uu idin waaninayaa [Allaah] bal inaad waansataan.
  91. Oo oofiya cahdiga Allaah marka aad gashaan, oo ha burinnina dhaaraha kaddib marka aad adkayseen, oo waxaad dhabtii uga dhigateen Allaah damiin. Xaqiiqdii Allaah waa og yahay waxa aad falaysaan.
  92. Oo ha lamid noqonnina sida tii furfurtay xariggii ay soohday kaddib markii uu yeeshay xoog idinkoo ka dhiganaya dhaarihiinna dhagar dhexdiinna ah [oo burinaya ballamada iyo heshiisyada aad gashaan], idinkoo u yeelaya sidaas u xilasho ummad ka tiro badan ummad kale [maal iyo manfaco ahaan oo uburinaya sababtood cahdiyada iyo heshiisyada aad gashaan dheef adduunyo darteed]. Allaah waa uun idin ku imtixaanayaa tani, wuxuuna hubaashii idiin caddayn doonaa maalinta Qiyaamaha wixii aad isku khilaafi jirteen.
  93. Oo haddii uu Allaah doono, wuxuu idin ka dhigi lahaa ummad kaliya, laakiinse wuxuu dhumiyaa ciddii uu doono oo hanuuniyaa ciddii uu doono. Waana la idin su’aali doonaa waxaad camal falayseen.
  94. Oo haka dhigannina dhaarihiinna dhagar dhexdiinna ah [haddii aad burisaanna sidaas waad ku halaagsamaysaan], sida cag simbiriirixatay sugnaanteedii kaddib, waxaadna ku dhadhaminaysaan xumaan [ciqaab adduunkan], ay u sabab tahay inaad ka hor istaagtaan [dadka] jidka Allaah, waxaadna leedihiin cadaab wayn.
  95. Oo ha siisannina ribix [dheef] yar cahdiga Allaah. Xaqiiqdii waxa Allaah agtiis ah baa idiin khayr badan haddii aad ogtihiin.
  96. Wax kasta oo aad haysataan waa dhammaan doonaan, wax kasta oo Allaah agtiis ahna [oo camallo wanaagsan ah] waa baaqi ahaan, oo waxaan hubaashii ku abaal marin doonnaa kuwa sabra ajar uqalma wixii ugu wanaagsanaa ay fali jireen.
  97. Qofkii u dhaqma suubbanaan, lab ama dhaddig, isagoo mu’min ah, waxaan hubaashii ku siin doonnaa nolol wanaagsan [adduunkan], oo waxaannu hubaashii ku abaal marin doonnaa ajar u qalma waxa u wanaagsan ay falayeen [Aakhirada].
  98. Ee marka aad akhriyayso Qur’aanka, ka magan gal Allaah Shaydaanka la fogeeyay.
  99. Xaqiiqdii isagu kuma laha awood kuwa [xaqa] rumeeyay dushooda oo Rabbigood [Allaah] tala saarta.
  100. Ee wuxuu awood ku dul leeyahay oo kaliya kuwa ka dhigta sokeeyaha oo Allaah u shariig yeela.
  101. Oo haddii aan ku baddalno aayad [Qur’aanka kamid ah, macnaha waa aan nasakhno oo burinno amarkeeda] mid kale meesheed, oo Allaah baa ogsoon waxa uu soo dajiyo, waxay [gaaladu] yiraahdaan, “Adigu [Muxammadow] ma tihid waxaan ahayn been abuurte.” Mayee, badankoodu wax ma oga.
  102. Dheh [Muxammadow] “Waxaa kasoo dajiyay [Jibriil] Ruuxul Qudus [Qur’aanka] xagga Rabbigaa si xaq ah, inuu ku sugo oo xoojiyo [imaanka] kuwa [xaqa] rumeeyay, oo ugu ahaado hanuun iyo bishaaro kuwa isu dhiiba [Allaah Muslimiin ahaan].
  103. Oo waxaan dhabtii ognahay inay [mushrikiinta iyo gaaladu] oran doonaan, “Waxaa sideedaba bara [Nabiga Qur’aanka] qof Aadame ah.” Afka [carrabka] midka ay tilmaamayaan waa cajami, halka kani [Qur’aanku] uu yahay af Carabi iska cad.
  104. Xaqiiqdii, kuwa aan rumayn aayadaha Allaah, ma hanuunin doono Allaah, oo waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.
  105. Waxaa uun abuurta been kuwa aan rumayn aayadaha Allaah, waana kuwaasi kuwa ah beenaalayaasha.
  106. Kii ku gaaloba Allaah rumayntiisii kaddib, mid maahee lagu khasbay waxaa oo qalbigiisu ku xasilan yahay iimaanka laakiin kuwa u fura laabahooda gaalnimada, korkooda waxaa ah caro xagga Allaah ah, oo waxay leeyihiin cadaab wayn.
  107. Taasi waxaa ugu wacan inay ka jeclaysteen oo ka doorteen nolosha adduunka middaa Aakhirada ah, iyo inaan Allaah hanuunin qawmka gaalada ah.
  108. Kuwaasu waa kuwa uu Allaah daboolay qalbiyadooda, maqalkooda [dhagahooda] iyo araggoodaba [indhahooda], kuwaasuna waa kuwo dhoohan.
  109. Shaki ma leh Aakhirada waxay ahaan doonaan kuwo khasaaray.
  110. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa xagga kuwa soo haajiray kaddib markii la dhibay oo jahaaday oo sabray, xaqiiq Rabbigaa intaa kaddib waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  111. Oo [xus] maalinta ay imaan doonto naf walba iyadoo u doodaysa [difaacaysa] nafteeda, oo loo oofin doono naf walba waxay fashay [samaan ama xumaan] iyagoo aan la dulminayn.
  112. Oo wuxuu Allaah usoo qaatay mataal magaalo ahayd nabad xasilloon, oo uga yimaado rizqigeedu haqab la’aan meel walba, waxayse [dadkeedii] ku gaaloobeen nicmooyinki Allaah [oo ka baal dhaceen], oo markaas Allaah dhadhansiiyay gaajo dabooshay iyo cabsi waxay samaynayeen darteed.
  113. Oo waxaa dhabtii u yimid rasuul [Muxammad] iyaga kamid ah, waase beeniyeen, markaas baa waxaa qabtay cadaab iyagoo daalimiin ah.
  114. Ee cuna waxa Allaah idin ku irzaaqay ee xalaasha wanaagsan, oo ku shukriya nicmadda Allaah, haddii aad isaga [kaliya] caabudaysaan.
  115. Wuxuu sideedaba idin ka xaaraameeyay maytida [hilib xoolo baqtiyay], dhiigga, hilib doofaar, iyo xoolihii loogu dhawaaqay gawracooda oo lagu xusay cid aan ahayn Allaah [ama loo gawracay sanammo iyo wixi lamida ama aan magaca Allaah lagu xusin markii la gawracayay]. Haddiise ay qofi dan ku qabato isagoo aan caasiyoobid u dan lahayn, oo xad gudbayn, xaqiiqdii Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  116. Oo ha orannina waxa ay carrabyadiinnu tilmaamayaan oo beenta ah, “Kani waa xalaal kanna waa xaaraan,” si aad ugu been abuurataan Allaah. Xaqiiqdii kuwa ku been abuurta Allaah ma liibaani doonaan.
  117. Waa raaxo yar oo tagaysa [adduunka], waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.
  118. Oo xagga kuwa ah Yuhuudda, waxaan ka xaaraamaynay waxyaalihii aan horay kuugu soo sheegnay [Muxammadow Suuradda Al-Ancaam], oo ma aannu dulmiyin, laakiinse iyaga baa naftooda dulmiyay.
  119. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa kuwa u fala xumaanta [danbiyada] jahli darti markaas tawbad keena intaas kaddib oo fala camallo wanaagsan oo suubban, xaqiiqdii Rabbigaa taasi kaddib [kuwa sidaa ah] waa u danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  120. Xaqiiqdii Ibraahiim wuxuu ahaa ummad [hoggamiye leh dhammaan toosnaanta iyo tilmamaha wanaagsan, ama qaaruun iska dhan], adeeca Allaah, xaniifan [toosan] oo ma ahayn mid kamid ah mushrikiinta.
  121. [Wuxuu ahaa mid] mahdiya nicmooyinka [Allaah]. [Allaah] baa doortay [gacal gaar ah ahaan, khaliilullaah] oo ku hanuuniyay jid toosan [Islaamka, oo ma ahayn Yuhuud iyo Nasraani midna].
  122. Oo waxaan ku siinnay adduunka wanaag, Aakhiradana wuxuu kamid yahay inta wanaagsan.
  123. Oo waxaan kuu waxyoonnay [Muxammadow], “Raac diinta Ibraahiim xaniifan [ee toosan],” kamana mid ahayn mushrikiinta.
  124. Sabtida waxaa uun loo yeelay kuwii isku khilaafay arrinkeeda, oo xaqiiqdii Rabbigaa waa ku kala xukumi doonaa dhexdooda maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafsanaayeen.
  125. Ugu yeer [dadka Muxammadow] jidka Rabbigaa [Islaamka] si xikmad leh iyo wacdi wanaagsan, kulana dood sida u fiican. Xaqiiqdii Rabbigaa waa og yahay kan ka dhuma jidkiisa, oo waa og yahay kuwa hanuunsan.
  126. Oo haddii aad ciqaabaysaan [cadawgiinna], ciqaaba in lamid ah intii la idin ciqaabay [yacni gaarsiiyay] oo kale, haddiise aad sabartaan, xaqiiqdii sidaas baa u wanaagsan kuwa sabra.
  127. Oo sabar [Muxammadow], ma aha sabarkaagu waxaan ahayn Allaah darti, oo ha u murugoon, hana ka ciriiryoomin waxa ay qoolayaan.
  128. Xaqiiqdii Allaah wuxuu la jiraa kuwa ka dhawrsada xumaha, iyo kuwa ah muxsiniinta [sama falayaasha].

Suuradda 17aad: Al-Israa [Dheelmintii]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waxaa nazahan [oo nuqsaan ka dheer] kan [Allaah ee] uga qaaday addoonkiisa [Muxammad] guure goor habeen ah Masjidka Xaramka [ee ku yaal Makka] xagga Masjidka Al-Aqsaa [Masjidka shishe ee Qudus ku yaal], aan hareerihiisa barakaynay, si aan wax uga tusno aayadahayaga. Xaqiiqdii, [Allaah] waa maqal badanaha, arkidda badan.
  2. Oo waxaan siinnay Muusaa Kitaabkii [Tawraadda] oo uga yeelnay hanuun ilmihii Isaa’iil [annagoo ku niri], “Haka yeelannina waxaan aniga ahayn wakiil.”
  3. “Ubadkii kuwii aan la qaadnayow Nuux! Xaqiiqdii wuxuu [Nuux] ahaa addoon shukrin badan.”
  4. Oo waxaan ugu qornay ilmihii Israa’iil Kitaabka, “Waxaad hubaashii fasaadin doontaan dhulka labo jeer oo ku sarrayn doontaan sarrayn wayn.”
  5. Markii uu yimaado yabooha labada tan hore, waxaan idiin kusoo diri doonnaa addoomo aan leennahay oo dagaal daran leh. Markaas bay xuli doonaan oo idiin kusoo gali doonaan guryihiinna dhexdooda, waana yabooh [ballan] la falayo.
  6. Misna waxaan mar kale idiin soo celinnay guusha, oo waxaan idin ku xoojinnay maal iyo carruur badan oo idin ka yeelnay kuwo tiro badan [tawbadkeenkiinna darteed iyo axsaan falkiinna iyo ukhuduuciinna Allaah].
  7. Haddii aad samo fashaan, waxa aad u sama falaysaan uun waa naftiinna, oo haddii aad xumaan fashaan [waxay uun ka go’an tahay] naftiinna. Markii uu yimaado yabooha dambe [aad ku fasaadinaysaan arlada, waxaan ka yeeli doonnaa cadawyadiinna mar kale] inay xumeeyaan wajiyadiinna iyo inay galaan Masjidka [Qudus] sidii ay u galeenba awal hore, iyo inay baabbi’iyaan wax kasta oo ay gaaraan gacmahooda baabba’ muuqda.
  8. Waa intaasoo Rabbigiin idiin naxariisto, haddiise aad u noqotaan [fasaadinta arlada], waxaan u noqon doonnaa [ciqaabtayadii, wayna fasahaadiyeen mar kale arlada, markaas buu Allaah ku salliday rasuulkiisa Muxammad iyo asxaabtiisa]. Waxaana uga yeelnay Naarta gaalada gogol.
  9. Xaqiiqdii, Qur’aankani wuxuu wax ku hanuuniyaa tan iyadu toosan, oo wuxuu ugu bishaareeyaa mu’miniinta u dhaqma sida wanaagsan inay leeyihiin ajar wayn.
  10. Oo xaqiiqdii, kuwa aan rumaysnayn Aakhirada, waxaan u diyaarinnay cadaab xanuun badan.
  11. Oo Aadamuhu wuxuu u yeertaa [ka baryaa Allaah] sharka sida uu ugu yeerto [baryoba] khayrka, oo Aadamuhu waa dagdag badan yahay.
  12. Oo waxaan ka yeelnay habeenka iyo maalinta labo calaamadood [oo calaamooyinkayaga kamid ah]. Markaasaan waxaan masaxnay calaamaddii habeenka annagoo ka yeelnay calaamadda maalinta mid la arko oo iftiin leh, si aad uga doonataan deeq Rabbigiin, iyo si aad u ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Oo waxaan uga faaloonnay wax walba si faahfaahsan.
  13. Oo qof walbaa waxaan ku laaziminnay camalladiisa qoortiisa, waxaana usoo saari doonnaa maalinta Qiyaamaha kitaab uu la kulmi doono isagoo fidsan.
  14. [Waxaa lagu oran doonaa], “Aqri kitaabkaaga, adiga baa isugu filan maanta xisaabiye.”
  15. Kii hanuunaa wuxuu u hanuunaa naftiisa, kii dhumaana wuxuu u dhumaa naftiisa, oo ma la saaro qofna danbiga qof kale, oo ma cadaabno cidna jeer aan soo dirno rasuul.
  16. Oo markii aan doonno inaan rogno degmo, waxaan [marka hore] u dirnaa amar cad [oo ah in la adeeco Allaah oo laga joogo shirkiga iyo macaasida, ama waxaan marka hore badinnaa tiro ahaan kuwaa kamid ah dadkeeda] ee la siiyay waxyaalaha wanaagsan ee noloshan, markaas bay xad gudbaan oo ku falaan faasiqnimo dhexdeeda, sidaas buuna qawlka [cadaabka] ugu waajibaa korkooda, markaas baan burburinnaa burburin dhan.
  17. Oo intee qaaruumood [ummado hore] baan halaagnay Nuux kaddib! Oo ku filan Rabbigaa ku koobe ogaal iyo arkidba danbiyada addoomahiisa.
  18. Kii rabaa dagdagtada [raaxada ku meel gaarka ah ee adduunkan], waan ugu soo dadajinnaa dhexdeeda wixii aan doonno kii aan doonno. Intaas kaddib, waxaan u yeellay Naar uu ku guban doono dhexdeeda isagoo dufaysan oo dayro ah.
  19. Kiise rabaa Aakhirada oo u dadaala dadaalkeeda loo doonayo [waa fala camallo wanaagsan oo suubban Allaah darti, oo ka fogaada shirkiga iyo macaasida]. isagoo mu’min ah, kuwaas waa kuwa dadaalkooda la mahdiyo.
  20. Mid walbana, kuwaan iyo sidoo kale kuwaaba, wax baan uga fidinnaa deeqda Rabbigaa, oo ma aha deeqda Rabbigaa mid reebban.
  21. Fiiri sida aan uga kor marinnay qaarkoodba qaar [adduunkan gudihi], oo xaqiiqdii, Aakhirada baa lagu sii kala wayn yahay darajooyin oo lagu sii kala korrayn.
  22. Ha u yeelin Allaah la jirki ilaah kale, haddii kale waxaad barraaqsan adigoo habaaran, oo hoogay [fongoran, Naarta dabka aan damayn ah gudaheeda].
  23. Oo Rabbigaa wuxuu guddoonshay inaydaan caabudin axadna isaga maahee, iyo inaad waalidkiin wanaajisaan. Haddii uu midkood ama labadoodaba kusoo gaarto waayeelnimo noloshaada, haku oran eray xurmo darro ah, oo haku qaylin, ee ula hadal si wanaagsan oo ay ku dheehan tahay xurmo iyo cizayn.
  24. Oo u raarici garab nugul naxariis darteed, oo dheh, “Rabbiyow! Ugu naxariiso sida ay iisoo koriyeenba anigoo yar.”
  25. Oo Rabbigiin waa og yahay waxa ku jira nafahiinna, haddii aad wanaagsan tihiin, xaqiiqdii isagu [Allaah] kuwa tawbadkeenka badan, waa u danbi dhaaf badan yahay.
  26. Oo sii kan qaraabada ahi xaqiisa iyo miskiinka iyo tub ku joogahaba. Hase u bixin si dayicid ah [maalkaaga] oo mubaddirinimo ah.
  27. Xaqiiqdii, mubaddiriintu waa walaalaha shaydaamada, Shaydaankuna waa mid Rabbigi ka abaal dhaca.
  28. Oo haddii aad [Muxammadow] kasii jeesato xaggooda [xigaalo, faqiir, miskiin tub ku jooge iyo wixi lamida, ee aan ku amarnay inaad siiso xaqooda wax la’aan darteed], adiguna aad ka dhawrayso naxariis xagga Rabbigaa oo aad rajaysid, markaa kula hadal hadal qabaw oo naxariis leh.
  29. Oo haka dhigin gacantaada wax ku xiran [sida bakhayl] mudul ah luquntaada, oo ha wada fidin iyada oo dhan [sida mubaddir loofar ah], markaas waxaad noqon mid haaraaman oo hungo ah.
  30. Xaqiiqdii, Rabbigaa wuxuu u fidiyaa rizqiga kii uu doono, oo ku ciriiriyaa [kii uu doono]. Xaqiiqdii, [Allaah] waa mid addoomahiisa xog ogaal u ah oo arka.
  31. Oo ha dilina carruurtiinna ka biqid faqri darteed, annaga baa irzaaqayna iyaga iyo idinkaba, hubaashii dilkoodu waa danbi wayn.
  32. Oo ha udhawaannina zinada, waayo, faaxisha [wax xille oo fool xun] iyo waddo belo iyo baas leh.
  33. Oo haku dilina nafta uu Allaah xaaraameeyay waxaan ahayn xaq, oo kii lagu dilo gardarro, waxaan siinnay warathadiisa awoodda [inay dalbaan qisaas (aargoyn) ama inuu cafiyo ama inuu qaato diyo (qaan, mag)], waase inuusan ku xad-gudbin arrinka dilka [macnaha waa inuusan dilin waxaan ahayn dilaha kaliya]. Xaqiiqdii, waa loogu gargaaray oo garab buu ka haystaa [xagga Diinta Islaamka].
  34. Oo ha u dhawaannina maalka agoonta sida u fiican maahee jeer uu tabar galo, oo oofiya ballanka [iyo heshiisyada aad gashaan], ballanka waa la is waydiine.
  35. Oo oofiya beegidda marka aad wax beegaysaan, oo ku miizaama miizaan toosan oo caadil ah. Sidaas baa khayr ah oo cirib wanaagsan.
  36. Oo ha raaraacina wax aydaan u lahayn cilmi, xaqiiqdii maqalka, aragga iyo laabta mid walbaa oo kuwaas kamid ah waa lays waydiin.
  37. Oo haku marin dhulka isqaadqaad iyo kibir, waayo ma kartid inaad jeexdid ama ka dustid dhulka, oo kuma gaari kartid buuraha dherer.
  38. Dhammaan sifaalahaa xun ee kamid ah kuwakani [waxyaalaha kor lagu xusay] waa wax Rabbigaa agti xun uu neceb yahay.
  39. Tani waa [qaar] kamid ah xikmadda uu Rabbigaa kuu waxyooday [Muxammadow]. ee ha uyeelin la jirka Allaah ilaah kale, si aan lagugu tuurin Naarta adigoo dufaysan oo dayro ah.
  40. Ma wuxuu idiin dooray Rabbigiin [mushrikiintoy] wiilasha, oo ka yeeshay malaa’igta dhexdooda gabdho? Waxaad idinku dhabtii ku hadlaysaan wax daran oo danbi wayn ah.
  41. Oo waxaan hubaashii ku faahfaahinnay [yaboohayaga, digniinahayaga [oo kusoo qaadannay tusaalooyin badan] Qur’aankaan dhexdiisa si ay uwaansamaan, umase kordhin doono waxaan ahayn didmo.
  42. Ku dheh [Muxammadow mushrikiinta, gaalada iyo wixi lamida], “Haddii ay la jiri lahaayeen Allaah ilaahyo kale, sida ay leeyihiin, markaas waxay hubaashii u doonan lahaayeen Rabbiga carshiga leh jid [iyagoo doonaya raallinimadiisa ama inay lamid noqdaan].”
  43. Waa ka nazahan yahay oo ka sarreeyaa waxa ay ku hadlayaan sarrayn wayn.
  44. Waxaa nazaha oo utasbiixsada toddobada samood iyo dhulka iyo waxa dhexdooda ah, oo ma jiraan wax aan ku tasbiixsan ammaanahiisa, laakiinse waydaan garanayn tasbiixdooda. Xaqiiqdii [Allaah] waa dul badane, danbi dhaaf badan.
  45. Oo markii aad [Muxammadow] aqrinayso Qur’aanka, waxaan yeelnaa dhexdiinna adiga iyo kuwa aan rumaysnayn Aakhirada xijaab aan muuqan [ama waxaan daboolnaa qalbiyadooda sidaas awgeed ma maqlaan mana fahmaan Qur’aanka].
  46. Oo waxaannu yeelnay daboollo qalbiydooda korkooda si aysan u fahmin [Qur’aanka], oo waxaa dhagahooda ah dhakanaan, oo markii aad ku xusto Rabbigaa kaligi Qur’aanka [oo aad ugu yeerto Tawxiidka] waxay ujeedsadaan gadaal iyagoo is gaddinaya oo la cararaya nacayb daran awgi.
  47. Annaga baan ogsoon waxa ay dhagaystaan, marka ay ku dhagaysanayaan iyo marka ay qabsadaanba shir qarsoodi ah oo faqiba, marka ay leeyihiin daalimiintu [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida], “Ma raacaysaan waxaan ahayn nin sixran!”
  48. Fiiri sida ay kuugu yeelaan mataallo oo ay u dhumeen, oo ayan u heli karin jidka [toosan].
  49. Oo waxay yiraahdeen, “Ma markii aan noqonno lafo iyo digo miyaa xaqiiq naloo soo bixinayaa innagoo ah abuur cusub?”
  50. Dheh [Muxammadow] “Noqda dhagxaan ama bir,”
  51. “Ama abuur ku wayn laabihiinna [aad qabtaan inay adag tahay in lasoo bixiyo, xitaa markaa waa la idin soo bixin doonaa].” Waxay oran doonaan, “Yaa noo soo celin doona [nolosha]?” Dheh, “Kii idin abuuray awal hore!” Waxay kuu ruxi doonaan madaxyadooda iyagoo leh, “Waa goorma isagu?” Dheh, “Waa intaasoo uu dhawyahay.”
  52. Maalinta uu idiin yeeri doono, oo aad [yeeriddiisa] ku ajiibi doontaan [ereyo] ammaantiisa iyo adeeciddiisa ah, waxaadna moodaysaan inaydaan ku nagaan [adduunkan] wax yar ma’ahee.
  53. Oo ku dheh addoomahayga haku hadleen hadallo wanaagsan. Xaqiiqdii, Shaydaan wuxuu ka abuuraa khilaaf iyo is af garan waa dhexdooda. Hubaashii, Shaydaan Aadamaha waa u cadaw iska cad.
  54. Rabbigiin baa aad idin og [waxa aad tihiin], haddii uu doono waa idiin naxariisanayaa, ama haddii uu doono waa idin cadaabayaa, oo kuuguma aannu soo dirin [Muxammadow] wakiil ahaan.
  55. Oo Rabbigaa waa og yahay waxa ku sugan cirarka iyo dhulka, oo waxaan dhabtii ka kormarinnay qaar kamid ah anbiyada qaar kale, oo waxaan siinnay Daawuud [Kitaabka] Zabuur.
  56. Dheh [Muxammadow], “Bal u yeerta kuwa aad xustaan [Allaah] sokadi [sida malaa’igta, Ciisaa, Cuzayr, anbiyada, awliyada iyo wixi lamida], ma laha awood ay idiin ka faydaan dhib ama idiin ka wareejiyaan.”
  57. Kuwaas ay u yeeranayaan [sida Ciisaa ina Maryam, Cuzayr, malaa’igta, anbiyada, awliyada iyo wixi lamida] iyaga baa u doona [nafahooda] waxyaalo ku xiriiriya oo u dhaweeya Rabbigood [Allaah], xagga koodii ahaan kan ugu dhow, oo waxay [Ciisaa, Cuzayr, malaa’igta, anbiyada, awliyada iyo wixi lamida] rajeeyaan naxariistiisa, oo ka cabsadaan cadaabtiisa. Xaqiiqdii, cadaabta Rabbigaa waa wax laga cabsado oo laga digtoonaado.
  58. Oo ma jirto magaalo [caasida] aannaan halaagi doonin kahor maalinta Qiyaame ama aannaan cadaabi doonin cadaab daran, taasi waxay ku qoran tahay Kitaabka.
  59. Oo waxna nooma diidaan soo diridda aayaatka [calaamooyinka, mucjizooyinka] aan ka ahayn inay dadkii hore beeniyeen, oo waxaan u dirnay Thamuud hashii mucjizo cad ahaan. waase dulmiyeen, oo uma aan soo dirno calaamooyinka waxaan ahayn [digniin iyo] cabsi galin ahaan.
  60. Oo [xus] markii aan kugu niri, “Xaqiiqdii! Rabbigaa wuxuu koobaa dadka [oo waxay ku jiraan qabashadiisa].” Oo kama aannu yeelin riyadii aan ku tusnay [Muxammadow habeenkii Israa (Dheelminta)] fitnada [imtixaan] dadka maahee, iyo geedka la lacnaday [Zaquumka] lagu xusay Qur’aanka waa ku cabsi galin ahaan, umase kordhiyo waxaan ahayn xadgudub wayn.
  61. Oo [xus] markii aan ku niri malaa’igta, “U sujuuda Aadam,” oo ay u sujuudeen Ibliis maahee. Wuxuu yiri, “Ma waxaan usujuudayaa mid aad ka abuurtay dhoobo?”
  62. [Ibliis] wuxuu yiri, “Ka warran kan aad iga sharaftay haddii aad ii dib dhigtid [oo aad ii daysid nolol] ilaa maalinta Qiyaamaha. Waxaan hubaashii calashan doonaa ubadkiisa [anigoo ka duwaya xaqa] dhamman wax yar ma ahee.”
  63. [Allaah] wuxuu yiri, “Tag! Kii kastoo ku raaca oo kamid ah, hubaashii, waa Naar jaazahiinnu jaazayn kaamil ah.”
  64. “Istafzizna [kalmad ahaan waxaa loola jeedaa ku gurdan raacso oo kaga xad caqliga si tartiib ah] waxoodii aad karto codkaaga [heeso baas oo macno darro ah, miyuusig, iyo dhawaaq kasta oo kale oo Allaah ku caasin ah], oo ku gawaan raacso fardoolaydaada iyo ciidanka lugtaada, oo la wadaag maalka iyo carruurta [adigoo ku fitnaynaya inay ku kasbdaan lacag siyaalo aan sharci ahayn (ribo. laaluush iyo wixi lamida) ama inay la yimaadaan galmood xaaraan ah, zino, iyo wixi lamida] oo u samee ballamo iyo yaboohyo.” Umase yabooho Shaydaan waxaan dhagar ahayn iyo hodid.
  65. “Xaqiiqdii addoomahayga [mu’miniinta dhabta ah] kuma lihid awood korkooda, oo ku filan Rabbigaa wakiil [ilaaliye] ahaan.”
  66. Rabbigiin waa kan idiin ku wada doonta [markabka] badda si aad u doonataan deeqdiisa. Xaqiiqdii waa uu idiin naxariis badan yahay.
  67. Oo markii ay idin ku taabato dhibaato badda, waa idinka dhumaan waxa aad baryayseen isaga [Allaah] maahee, markiise uu idin ku keeno nabad barriga, waa jeesataan, oo Aadamuhu waa abaal laawe.
  68. Ee ma waxaad ka tihiin aamin inuu [Allaah] idin la gooyo dhinac dhulka kamid ah, ama idin kusoo diro dabayl daran oo quruurux wadata? Markaas ma heli doontaan wakiil [idin ka dhawra cadaabta].
  69. Mise ma waxaad aamin ka tihiin inuu dib idiin kusoo celiyo mar labaad [badda] oo idiin soo diro dabayl daran oo wax jajabisa oo idin hafiyo gaalnimadiinna darted? Markaasna ma heli doontaan wax noo kiin raacda.
  70. Oo waxaan dhabtii sharafnay ilma Aadam, oo waxaan ku qaadnay barriga iyo baddaba oo ku irzaaqnay dayibaat [waxyaalaha wanaagsan ee xalaasha ah], oo ka kormarinnay in badan oo wixii aan abuurnay ah kor marin muuqata.
  71. Oo [xus] maalinta aan u yeeri doonno dhammaan dadka iyagoo ay wehliyaan imaammadooda [nabigoodii ama kitaabkii Iagusoo dajiyay ama camalladoodii]. Marka kii kastoo lagu siiyo kitaabkiisa gacantiisa midig kuwaa baa aqrin doona kitaabkooda, lagamana dulmiyi doono wax dhan xuub laf timirteed [ama dhibicna].
  72. Oo kii ku indha la’ adduunkan [macnaha waa aan arkin calaamooyinka Allaah oo aan rumeyn Allaah iyo rusushiisa], wuxuu ahaan doonaa mid Aakhiradana indha la’, oo kasii dhunsan jidka.
  73. Oo waxay sigeen inay kaa fitneeyaan waxa aan kuu waxyoonnay [Qur’aanka] si aad noogu abuurato waxaan isaga ahayn, markaas waxay hubaashii kaa dhigan lahaayeen saaxiib gacal ah.
  74. Oo haddii aannaan ku sugneen, waxaad dhabtii u dhawaan lahayd inaad u iilato xaggooda wax yar.
  75. Markaas waxaan ku dhadhansiin lahayn [cadaab] labanlaab ah nolosha [adduunka] iyo [cadaab] labanlaab ah dhimashada kaddib. mana hesheen wax kuu gargaara.
  76. Oo waxay sigeen inay aad ku cabsi galiyaan si ay kaaga saaraan dhulka, markaas kuma nagaadeen oo sii ma joogeen gadaashaa in yar ma’ahee.
  77. [Sidan bay ahayd] sunnadii [hannaankii aan ula dhaqmi jirnay] rusushii aan soo dirnay hortaa [Muxammadow], oo kama heli doontid wax isbaddal ah sunnadayada [xukunkayaga, jidkayaga].
  78. U oog salaadda si wanaagsan] marka ay qorraxdu wareegto ilaa mugdiga habeenka [waa salaadaha Duhur, Casar, Maqrib iyo Cishaha] oo aqri Qur’aanka oogga hore [salaadda Subax]. Xaqiiqdii, aqrinta Qur’aanka oogga hore waa mid lasoo xaadiro [waxaa soo xaadira malaa’igta u xil saaran dadka habeenka iyo maalinta].
  79. Oo saacado kamid ah habeenkii [sidoo kale] oog salaadda [waa ku aqri Qur’aanka salaaddaa (salaatu laylka)], salaad dheeri kuu ah [Muxammadow]. Waa intaasoo Rabbigaa kuu soo bixiyo maqaam maxmuud ah [meeqaan sharaf iyo ammaan leh, waa shafeecada wayn ee Aakhiro ama uu ku siiyo Al-Wasiila, darajda ugu sarraysa Jannada!].
  80. Oo dheh [Muxammadow], “Rabbiyow! Ka yeel galiddayda [magaalada Madiina] mid wanaagsan, sidoo kale ka bixiddayda [magaalda Makka] mid wanaagsan, oo iiga yeel agtaada awood gargaar ah [calaamo sugan ama xujo].
  81. Oo dheh, “Waxaa yimid xaqii [Islaamka], oo wuxuu baabba’ u sugnaaday baadilka [waa Shaydaanka, shirkiga iyo wixi lamida], hubaashii baadilku waa wax baabba’a oo tirtirma.
  82. Oo waxaan kasoo dajinnaa Qur’aanka wax caafimaad iyo naxariis u ah mu’miniinta, oo uma kordhiyo daalimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] waxaan ahayn khasaaro.
  83. Oo markii aan u nicmayno Aadamaha [kan gaalka ahi], waa jeesadaa oo [xaqa] ka fogaadaa isagoo islawayn, oo haddii uu taabto dhib waa quustaa.
  84. Dheh [Muxammadow], “Mid walbaa ha u camal fasho sidiisa [waa dawgiisa ama diintiisa ama niyaddiisa iyo wixi lamida], Rabbigiin baa ogsoon kan isagu jidkiisu [diintiisa iyo wixi lamida] toosan tahay.”
  85. Oo waxay wax kaa waydiinayaan [Muxammadow] ruuxda [nafta]. Dheh, “Ruuxdu [nafta] cilmigeeda waxaa haya Rabbigay, oo cilmiga idinka [dadow] la idin kama siin wax yar oo kamid ah ma’ahee.”
  86. Oo haddii aan doonno waan la tagi lahayn waxa aan kuu waxyoonnay [Qur’aankan], markaasna ma hesheen cid naga kaa celisa.
  87. Naxariiista Rabbigga ma’ahee. Xaqiiqdii fadliga uu [Allaah] kuu galay [Muxammadow] waa mid wayn.
  88. Dheh, “Haddii ay insiga iyo jinku isugu tagaan inay la yimaadaan wax lamid ah Qur’aankan, ma la imaan karaan wax lamid ah, xataa haddii uu qaarba qaarka kale caawiyo oo siiyo garab.”
  89. Oo waxaan dhabtii ugu faahfaahinnay si dhan [dadka] Qur’aankaan dhexdiisa, nooc kasta oo mataal ah, waase diideen dadka badankiisu waxaan ahayn gaalnimo.
  90. Oo waxay yiraahdeen, “Kuma rumayn doonno [Muxammadow] jeer aad nooga burqiso dhulka ilo.”
  91. “Ama aad yeelato beero timir iyo canabyo ah, oo aad ka burqiso wabiyo durdur ah dhexdooda burqin.”
  92. “Ama aad nagusoo riddo cirka sida aad sheegtay isagoo gaballo ah, ama aad keento Allaah iyo malaa’igta hortayada si caddaan ah.”
  93. “Amaba aad yeelato guri ka samaysan waxyaalo dhalaalaya [sida qalin, dahab saafi ah iyo wixi lamida] ama aad korto cirka, oo markaas xitaa ma rumaysan doonno koriddaada jeer aad noogaga soo dajiso kitaab aan aqrinno. Dheh [Muxammadow] “Rabbigay [Allaah] baa nazahan. Ma waxaan ahay wax kale aan ahayn nin lasoo diray rasuul ahaan?”
  94. Oo waxna uma diidin dadka rumaynta markii uu hanuunku u yimid, aan ka ahayn inay yiraahdeen, “Ma wuxuu Allaah usoo diray Aadame rasuul ahaan?”
  95. Dheh, “Haddii ay jiri lahaayeen dhulka malaa’ig ku maraysa nabad oo daggan, waxaan hubaashii ugasoo dajin lahayn cirka malag rasuul ahaan.”
  96. Dheh, “Ku filan Allaah markhaati dhexdeenna aniga iyo idinka. Xaqiiqdii waa ogsoonaha arka addoomihiisa.”
  97. Oo kii uu hanuuniyo Allaah baa hanuunsan, kiise uu dhumiyaa, kuwaasi uma heli doontid awliyaa [gargaarayaal iyo ilaaliyayaal iyo wixi lamida] Allaah sokadi, oo waxaan usoo kulmin doonnaa iyagoo dhan maalinta Qiyaamaha waji waji iyagoo indha la’ oo af la’ oo dhaga la’, hoygoodu waa Naar, markii ay nuxuustaba, waxaan u ziyaadinnaa huritaan.
  98. Sidaasi waa abaalkooda, waayo waxay diideen aayaatkayagii oo yiraahdeen, “Ma markii aan noqonno lafo iyo digo miyaa dhab ahaan nalasoo bixin doonaa abuur cusub ahaan?”
  99. Mawaysan ogayn in Allaah, ee abuuray cirarka iyo dhulka, uu awoodo inuu abuuro iyagoo kale, wuxuuna u yeelay ajal aan shaki lahayn? Wayse diideen daalimiintu [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] waxaan ahayn gaalnimo.
  100. Ku dheh [gaalada], “Haddii aad hayn lahaydeen khaznadaha naxariista Rabbigay [maaliyad, lacag, rizqi iyo wixi lamida] hubaashii waad ka haysan lahaydeen wax bixinta ka biqid awgeed [inay dhammaato], Aadamuhuna waa dhabcaal [masuug badan].”
  101. Oo waxaan dhabtii siinnay Muusaa sagaal calaamo [mucjizo] oo cad cad ee waydii ilmihii Israa’iil markii uu u yimid, markaasuu Fircoon wuxuu ku yiri [Muusaa], “Waxaan kuu malaynayaa Muusow inaad tahay mid sixran.”
  102. [Muusaa] wuxuu yiri, “Dhabtii, waa ogtahay inaysan calaamooyinkan [mucjizooyinkan] soo dajin waxaan ahayn Rabbiga cirarka iyo dhulka tusaalooyin cad cad ahaan, oo waxaan qabaa inaad tahay Fircoonow mid loo qoray halaag.”
  103. Markaasuu doonay inuu ka fiigsho dhulka [Masar]. waase hafinnay isaga iyo wixii la jiray oo dhan.
  104. Oo waxaannu ku niri ilmihii Israa’iil isaga gadaashi, “Daga dhulka, markiise uu yabooha dambe soo dhawaado [waa maalinta Qiyaamaha ama usoo dagidda Ciisaa ina Maryam dhulka] waa idin keeni doonnaa idinkoo kulan wayn oo isku dhex jira ah [laga keenay ummado kala duwan].”
  105. Xaq baan kusoo dajinnay [Qur’aanka] oo xaq buu kusoo dagay, oo kuuma aannu soo dirin [Muxammadow] waxaan ahayn bishaaro-side iyo dige ahaan.
  106. Oo waa Qur’aan aan kala qaad qaadnay [u qaybinnay qaybo], si aad ugu aqrido dadka aayar, waxaana kusoo dajinnay heerar kala duwan soo dajin dhan.
  107. Dheh [Muxammadow], “Rumeeya [Qur’aankan] ama ha rumaynina! Xaqiiqdii kuwa la siiyay cilmiga isaga horti [kuwa akhyaarta ah ee ku jira Nasaarada iyo Yuhuudda], markii loo aqriyo, waxay ula dhacaan wajiyadooda sujuud khushuuc darti.”
  108. Oo waxay yiraahdaan, “Waxaa nazahan oo nuqsaan ka dheer Rabbigeen! Xaqiiqdii ballan qaadka Rabbigayo waa mid la oofiyo.”
  109. Oo waxay u dhacaan wajiyadooda iyagoo ooyaya, oo wuxuu u kordhiyaa khushuuc.
  110. Dheh [Muxammadow], “Ugu yeerta Allaah ama ugu yeerta Ar-Raxmaan, kii aad ugu yeerataanba [magacii aad ku baridaanba waa isku mid].” Isaga baa leh magacyada wanaagga badan, ee ha ugu dhigin kor codka [aqriskaaga] salaadda oo ha qarsan cod ahaan, ee raac jid u dhexeeya.
  111. Oo dheh, “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, aan yeelan ilmo, oo aan lahayn wax shariig ah oo la wadaaga mulkiga, oo ma laha wali [gargaare] liidasho darted, oo waynee waynayn dhan.”

Suuradda 18aad: Al-Kahfi [Godka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa iska leh Allaah ee kusoo dajiyay addoonkiisa [Muxammad] Kitaabka [Qur’aanka] oo aan u yeelin wax qallooc ah.
  2. Kitaab toosan si uu uga digo cadaab daran oo xaggiisa ah, oo ugu bishaareeyo mu’miniinta fala camallo wanaagsan inay leeyihiin ajar wanaagsan [waa Jannada].
  3. Ay ku nagaadi doonaan dhexdeeda waligood.
  4. Oo ugu digo kuwaa [Yuhuudda, Nasaarada iyo mushrikiinta] yiraahda, “Allaah wuxuu leeyahay ilmo.”
  5. Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashoodba. waa wax daran oo wayn danbi ahaan kalmadda kasoo baxda afafkooda kuma hadlayaan waxaan ahayn been.
  6. Waa intaasoo aad naftaada [Muxammadow] ku dhibto raadkooda [gadaashooda], inayan rumayn awgeed xadiiskan xagga Allaah lagaa soo dajiyay [Qur’aanka] oo ka xun tahay [ka jeesigooda ay ka jeesadaan xaqa].
  7. Xaqiiqdii waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah qurux lagu qurxiyay dhulka si aan u imtixaanno [dadka] xagga kuwooda u camal wanaagsan.
  8. Oo waxaannu ka yeelli doonnaa dhammaan waxa korkiisa ah ban gabiib ah oo engagan [aan lahayn wax dhir ama geedo ah].
  9. Ma waxaad moodday [Muxammadow] ay qoladii godka iyo looxu [wararkii ama magacaydii dadkii godka] ay calaamooyinkayaga ugu cajab badan yihiin?
  10. [Xus] markii dhallinyaradu ay ka carareen oo ka galeen [qawmkoodii gaalada ahaa] godka, waxay yiraahdeen, “Rabbiyow naga sii xaggaaga naxariis, oo nooga yeel arrinkayaga sida khayrka ah ee roon.”
  11. Markaas baan waxaan daboolnay [dareenkoodii] maqalka [oo sababnay inay ku tagaan hurdo culus] godka dhexdiisa sanooyin badan.
  12. Oo misna kasoo kicinnay [hurdadoodii] si aan u ogaanno tan labada qolo koobtay muddadii ay nagaadeen.
  13. Annaga baa kaaga qisoonayna [Muxammadow] warkoodii oo xaq ah. Waxay ahaayeen dhallinyaro rumaysay Rabbigood [Allaah] oo aan u kordhinnay hanuun.
  14. Oo waxaannu xoojinnay oo adkaynnay qalbiyadooda, markii ay kaceen oo yiraahdeen, “Rabbigayo waa Rabbiga cirarka iyo dhulka, marnaba ma baryayno ilaah aan isaga ahayn [haddii aan u dhawaaqanno oo barinno axad kale Allaah sokadi innagoo ka doonayna gargaar iyo gurmad iyo shafeeco Allaah sokadi], markaas waxaa dhabtii ku hadallay hadal xun oo baadil ah.
  15. Kuwakanu waa qawmkayagii oo yeeshay Allaah sokadi ilaahyo [kale] ay caabudaan. Maxay ula iman waayeen daliil iyo xujo cad? Yaase ka gaf wayn kan ku been abuurta Allaah.
  16. [Dhallinyaradii waxay isku yiraahdeen], “Markii aad ka fogaataan iyo waxa ay caabudayaanba Allaah maahee, markaa ka doonta meel aad ka gashaan godka, Rabbigiin wuxuu idiin furi doonaa jid naxariistiisa ah, oo idiin ka dhigi doonaa wax fudud arrinkiinna [macnaha waa wuxuu idin siin doonaa wixii aad u baahataan oo ah raashin, rug, raaxo iyo wixi lamida].”
  17. Oo waxaad arkaysaa qorraxda oo markii ay soo baxdo uga iilanaysa godkooda xagga midig, markii ay dhacaysana ka goynaysa xagga bidix iyagoo ku sugan meel waasic ah oo godka bartanki ah. Taasu [waa mid] kamid ah aayadaha Allaah. Kii uu Allaah hanuuniyo baa hanuunsan, kii uu dhumiyaana, uma heli doontid wax ah wali [gargaare].
  18. Oo waxaad moodaysaa kuwa soo jeeda iyagoo jiifa, waxaana u rogaynaa dhinac midig iyo dhinaca bidix, eygooduna wuxuu ku fidinayaa labadiisa addimood irridka [godka ama ardaaga u dhaw irridka godka, waardiye ahaan illinka], haddii aad arki lahayd, hubaashii waa is geddiyi lahayd adigoo carar ah, oo waxaa hubaashii kaa buuxsami lahaa xaggooda argagax.
  19. Sidaas baan ugasoo kicinnay [hurdadoodii cuslayd oo dheerayd] si ay wax isu waydiiyaan dhexdooda. Midkood hadlay baa yiri, “Immisa baad joogteen [halkan]?” Waxay yiraahdeen, “Waxaan joognay maalin ama maalin galinkeed.” Waxay yiraahdeen, “Rabbigiin [kaliya] baa ogsoon inta aad joogteen halkan, ee ula dira midkiin lacagtiinaan tani oo hala aado magaalada, oo ha fiiriyo meeshii cunto fiican oo xalaal ah leh, oo ha idiin ka keeno rizqi kamid ah, hana is jiro oo ha digtoonaado, oo yuusan idin ogaan qofna.”
  20. “Maxaa yeelay haddii ay idin ogaadaan waa idin dhagaxyayn doonaan [ilaa geeri ama idin af lagaadayn doonaan ama dhib idiin gaysan doonaan] ama idiin celin doonaan diintooda, markaasna ma liibaani doontaan.”
  21. Sidaas baan uga yeellay arrintooda mid caan ka ah dadka dhexdi, si ay u ogaadaan in uu yabooha Allaah xaq yahay iyo in Saacadda [Qiyaame] aan shaki ku jirin, oo [xus] markii ay iyagu [dadkii magaalada] dhexdooda kaga murmeen xaalkooda, waxay yiraahdeen, “Ka dul dhisa dhismo, Rabbigood baa ogsoon iyagee.” Waxay yiraahdeen kuwii ku adkaaday arrinkooda [waxay aad ugu badan tahay gaalada inay yihiin kuwii yiri], “Waxaan hubaashii ka dhisi doonnaa meel cibaado halkoodii.”
  22. [Qaar] waxay leeyihiin waxay ahaayeen saddex oo waxaa afareeyay eygoodii, [qaar kalana] waxay leeyihiin waxay ahaayeen shan oo waxaa lixeeyay eygoodii, iyagoo iska mala awaalaya ġayb ka qarsoonaa [iska dhahaya cilmi la’aan], [waliba qaar kale] waxay leeyihiin waxay ahaayeen toddoba oo waxaa siddeed ku ahaa eygoodii. Dheh, [Muxammadow], “Rabbigay baa ogsoon tiradooda, mana oga wax yar maahe,” ee ha kala doodin [tiradooda iyo wixi lamida] inaad kula doodaysid xujada cad [aan kuu waxyoonnay] maahee, oo wax haka waydiin midkoodna [ehlu Kitaabka, Yuhuudda iyo Nasaarada] wax ku saabsan [arrinta] dadkii godka.
  23. Oo haku oran waxaas iyo waxaas baan fali doonaa berri.
  24. [Adigoo aan oran oo raacin qawlka ah] inshaa Allaah [haddii uu Allaah idmo] oo xus Rabbigaa markii aad hilmaanto oo dheh, “Waa intaasoo uu Rabbigay igu hanuuniyo mid uga dhaw tani toosnaanta.”
  25. Waxay joogeen godkoodii gudihiis saddex boqol oo sano, oo ugu dar sagaal [xagga sannad bileedka].
  26. Dheh, “Allaah baa ogsoon intii ay joogeen, oo leh [cilmiga] ġaybka qarsoon cirarka iyo dhulkaba, muxuu si wanaagsan oo cad u arkaa oo u maqlaa [wax waliba]! Ma ay laha wali [gargaare, gacal iyo wixi lamida] aan isaga ahayn, oo lama wadaajiyo xukunkiisa axadna.” 27
  27. Oo aqri waxa laguu waxyooday [Muxammadow] oo Kitaabka Rabbigaa ah, [yacni waa aqri, oo faham, oo raac oo fuli waxa lagugu amro, oo ku camal fal, oo ugu yeer dadka,] ma jiro wax baddali karaa kalmadihiisa, oo ma halaysid agab ka sokeeya isaga aad magan gashid.
  28. Oo ku hay naftaada [Muxammadow] si sabar leh la jirka kuwa barya Rabbigood [yacni waa asxaabtaada xusa Rabbigood, nazaha oo ku tasbiixsada ammaantiisa, ku ammaana salaadda iyo wixi lamida, iyo camallo kale ee wanaagsan iyo wixi lamida] galab iyo subaxba iyagoo doonaya Wajigiisa, oo ha dhaafin indhahaaga xaggooda adigoo doonaya quruxda nolosha adduunka, oo ha adeecin mid aan ka dhoohnay qalbigiisa xusiddayada oo raaca hawadiisa oo arrinkiisu [camalkiisu] yahay xadgudub.
  29. Oo dheh, “Xaqu waa xagga Rabbigiin, ee kii rabaa ha rumeeyo kii rabaana ha gaaloobo.” Waxaan u diyaarinnay daalimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] Naar ay gidaarradoodu ku hareersanaan doonto, oo haddii ay dalbadaan gargaar [kasoo gaarid, biyo iyo wixi lamida] waxaa loogu gargaari doonaa biyo sida saliid karaysa oo kale ah oo gubi doonta wajiyadooda, waa sharaab lagu ba’ay iyo xusullaysi [degaan, guri] baas ah.
  30. Xaqiiqdii! Kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan, Annagu ma dhuminno ajarka kii wanaajiya camalkiisa.
  31. Kuwaasi abaalgudkoodu waa beero nagaya [Jannaatu Cadni] oo ay hoostoodu qulqulayaan wabiyo, dhexdeeda [Jannada] waxaa lagu qurxin doonaa kuwaa jinjimo dahab ah, oo waxay labbisan doonaan dhar cagaaran oo xariir jilicsan ah iyo xariir adagba iyagoo ku dangiigsan sariiro korkood. Wanaagsanaa waxaa lagu abaal marin doono, oo maxay degaan, guri, iyo meel wanaagsan oo barwaaqo iyo xusulaysi flican leh ahaatay!
  32. Oo ugu soo qaad mataal labo nin oo aan siinnay midkood labo beerood oo canabyo ah oo aan ku meegaarnay geedo timireed, oo aan yeelnay dhexdooda zarac.
  33. Mid walbaa oo labadaa beerood kamid ah, waxay soo saartay miraheedii, iyadoo aan waxba ka dhimin, oo waxaan burqinnay dhexdooda wabiyo.
  34. Oo wuxuu lahaa miro, markaas buu ku yiri saaxiibki isagoo ay is waydaarsanayaan hadal, “Aniga baa kaa maal badan oo kaa tabar roon tol ahaan.”
  35. Oo wuxuu galay beertiisii isagoo ku sugan xaalad [kibir, faan iyo kufri ah] oo dulminaya naftiisa, wuxuu yiri, “U malayn mahayo inay tani baabba’ayso waligeed.”
  36. Oo u malayn mahayo inay Saacaddu waligeed dhici doonto, oo haddii dhabtii la ii celiyo oo la i hor keeno Rabbigay [Maalinta Qiyaamaha] waxaan hubaa inaan ka heli doono meel ka rug doorsi iyo noqosho flican.”
  37. Wuxuu yiri saaxiibkiis isagoo la hadlaya, “Ma waxaad ku gaalawday kii kaa abuuray ciid [yacni waa ka abuuray ciid aabbahaa Aadam] dabadeedna nudfa ‘tifiq’ [dhibco biyo shahweed, mino] dabadeed kaaga dhigay nin?”
  38. “Laakiinse aniga xaggayga [waxaan rumaysanahay] inuu yahay Allaah, Rabbigay, lana wadaajin mahayo Rabbigay cibaadada axadna.”
  39. “Oo maxaadan markii aad gashay beertaada u oran wayday, “Wixii Allaah doono [waa ahaan]! Ma jiro xoog aan ahayn xagga Allaah. Inkastoo aad i aragto inaan kaa yarahay maal iyo carruurba.”
  40. “Waa intaasoo uu Rabbigay isiiyo wax ka khayr badan beertaada iyadana ugasoo diri doono balaayo [cadaab, dab] cirka, oo markaas noqoto gawaan gabiib ah.”
  41. “Ama noqdaan biyaheedu kuwa gura [oo dhulka hoos ugu fogaada] oo aad marnaba kari doonin inaad gaarto.”
  42. Markaas baa lagu koobay mirihiisii [baabbi’in] oo wuxuu billaabay inuu la rogrogo calaacalahiisa ka xumaansho wixii uu kharash ku bixiyay, halka gabigoodiiba la wada baabbi’iyay oo ay isku dul dhacday, waxaa uun kasoo haray oo kaliya inuu yiraahdo, “Alla i roonaydaa inaan la wadaajin Rabbigay cibaadada axadna.”
  43. Oo uma ahaan ciidan ugasoo gargaara cadaabka Allaah, mana uu kari karayn inuu difaaco ama badbaadiyo naftiisa.
  44. Halkaas [Maalinta Qiyaamaha] awoodda oo dhan waxaa leh Allaah oo kaliya, Ilaaha xaqa ah, Isaga baa khayr roon abaal marin ahaan oo khayr roon cirib dambeed ahaan.
  45. Oo ugusoo qaad mataalka nolosha adduunku inay lamid tahay biyaha [roobka] aan kasoo dajinno cirka, oo ku darsama dhirta kasoo baxda dhulka [oo markaas noqota bisayl doog ah], noqotase [mar dambe] xaabo burburta oo ay dabayshu bitiso, oo Allaah waa uu karaa inuu falo wax walba.
  46. Maalka iyo carruurta waa quruxda noloshan adduunka, ha yeeshee camallada wanaagsan ee suubban [shanta salaadood ee faralka ah, zakada, sawmka, xajka, camallada wanaagsan ee Allaah darti loo qabto, hadalka wanaagsan ee fiican, xusidda Allaah iyo ku tasbiixsiga ammaanahiisa iyo waynidiisa yacni weedhooyinka Subxaanallaah, Al-Xamdulillaah, Allaahu Akbar, Walaa xowla walaa quwwata illaa Billaah, iyo wixi lamida oo ah Allaah amaan, mahdintiis iyo wixi lamida] ee baaqiga ahaada baa wanaagsan Rabbigaa agtiis abaal ahaan, oo wanaagsanna rajo ahaan.
  47. Oo [xus] maalinta aan ka socodsiin doonno buuraha [meelahooda sida daruuro boor ah oo kale] oo aad arkayso dhulka oo wada muuqda, oo aan soo kulmin doonno [dadkii oo dhan] Annagoo aan ugasoo tagin gadaal midkoodna.
  48. Oo waxaa loo soo bandhigi doonaa oo la hor keeni doonaa Rabbigaa horti iyagoo saf saf ah, [Allaah wuxuu oran doonaa] “Haatan waxaad dhabtii noogu timaaddeen sidii aan idiin abuurnay markii hore. Mayee waxaad sheegteen inaan idiin yeelin madal maalin la yaqaan oo aad nagula kulmi doontaan.”
  49. Oo waxaa laga saari doonaa kitaabkii [camalka, qof kasta wixii u qornaa oo camalkiisa ah gacanta midig mu’minkii [xaqa] rumeeyay, iyo gacanta bidix kii ku gaaloobay xaqa], oo waxaad arki doontaa mujrimiintii [danbiilayaashii, mushrikiintii, gaaladii iyo wixi lamida] oo ay kaga buuxdo cabsi waxa ku yaal [kitaabka camalkooda uu ku dhigan yahay]. Waxay oran doonaan, “Hooggayaga! Muxuu leeyahay kitaabkaan aan dhaafayn wax yar iyo wax waynba inuu ku koobay tiro ma’ahee?” Oo waxay heli doonaan wixii ay camal faleen, oo hortooda yaal, oo ma dulmiyo Rabbigaa axadna.
  50. Oo [xus] markii aan ku niri malaa’igta, “U sujuuda Aadam,” oo ay u sujuudeen Ibliis maahee, wuxuu kamid ahaa jinka, wuxuuse caasiyay amarkii Rabbigi, ee ma waxaad ka dhiganaysaan [Ibliis] iyo ubadkiisa sokeeyayaal Aniga ka sokow iyagoo cadaw idiin ah? Maxay xumaan wax ku beddeshaan daalimiintu!
  51. Marag ugama dhigan [Ibliis iyo firkiisa, oo uma kaalmaysan] abuurista cirarka iyo dhulka iyo abuurista naftooda midna, oo ma ahi Anigu [Allaah] mid ka dhigta kuwa wax dhumiya cudud iyo caawiye.
  52. Oo [xus] Maalinta uu Allaah oran doono, “U yeera kuwii aad ila wadaajin jirteen [cibaadada] oo aad xusi jirteen.” Markaas bay u dhawaaqi doonaan, waxnase kama ajiibi doonaan, waxaannu dhigi doonnaa mawbiq [yacni xijaab, cadaawad, baabba’a ama waadi Naarta ku yaal] dhexdooda.
  53. Oo waxay arki doonaan mujirimiintii [danbiilayaashii, mushrikuntii, gaaladii] Naarta oo yaqiinsan doonaan inay ku dhacayaan, oo ma heli doonaan jid ama dariiq ay kaga baxsadaan.
  54. Oo waxaan dhabtii ugusoo qaadnay Qur’aanka dhexdiisa dadka mataal kasta, Aadamuhuse waa mid mar waliba ka dood badan wax kale oo dhan.
  55. Oo ma jiro wax ka reeba oo ka celiya dadka inay rumeeyaan markii uu u yimid hanuunku [Qur’aanka] iyo inay waydiistaan danbi dhaaf Rabbigood, oo aan ahayn inuu u yimaado jidkii kuwii hore [yacni baabba’ii iyo burburkii looga qaddaray xagga Allaah] ama ay cadaabtu ugu timaaddo fool ka fool [yacni caddaan].
  56. Oo uma soo dirno rususha waxaan ahayn inay bishaareeyaan oo digaan, oo waxay ku doodaan kuwa gaaloobay baadil si ay ugu buriyaan xaqa caddaanka ah, oo waxay ka dhigteen aayadahayga jees jees!
  57. Oo yaa ka gaf wayn mid lagu waaniyay aayadaha Rabbigi, ka sii jeesadase oo hilmaama wixii [camallo xun] ay horay u gaysteen gacmahiisu? Xaqiiqdii waxaannu yeellay qalbiyadooda daboollo si aanay u fahmin [Qur’aankani], dhagahoodana culays, oo haddii aad adigu [Muxammadow] ugu yeerto hanuun, ma hanuuni doonaan waligood.
  58. Oo Rabbigaa waa danbi dhaaf badanaha, naxariista badan. Haddii uu u qaban lahaa dadka waxa ay kasbadeen [oo xumaan ah], wuxuu hubaashii usoo dadajin lahaa cadaabka, waxayse leeyihiin madal aysan heli doonin meel ay uga irkadaan.
  59. Oo magaalooyinkanina [dadkii Caad, Thamuud, iyo kuwa lamida] waa aan halaagnay markii ay dulmi faleen, oo waxaanuna u qabannay madal [waqti go’an] rogiddoodii.
  60. Oo [xus] markii uu Muusaa ku lahaa adeegahiisii [Yuushac bin Nuun oo waa dambe Nabi noqday], “Ma joojin doono [socodka] jeer aan gaaro kulanka labada badood ama [jeer aan] wado socodka muddo sannado ah.”
  61. Markiise ay gaareen kulanka labada badood waxay hilmameen kalluunkoodii, oo waxay qaadday jidkeedii badda dhexdeeda oo sida jeexdin ah.
  62. Markii ay ka gudbeen oo dhaafeen [oo ka gadaal mareen meeshii la xaddiday] Muusaa wuxuu ku yiri adeegihiisii, “Noo keen qadadannadii, waxaan dhabtii kala kulannay safarkeennani daal badan.”
  63. Wuxuu yiri [adeegihii], “Ma xusuusataa markii aan hirgalnay dhadhaabkii dhagaxa ahaa? Waxaan dhabtii soo hilmaamay kalluunkii, oo ma jiro wax i hilmaansiiyay aan ahayn Shaydaan inaan xusuusto, oo waxay ka samaysatay jidkeeda badda si la yaab leh.”
  64. [Muusaa] wuxuu yiri, “Waxaasu waa wixii aan doonaynay.” Markaas bay dib u noqdeen oo qaadeen raadkoodii.
  65. Markaas bay waxay heleen addoon kamid ah addoommahayga oo aan ka siinnay naxariis xaggayaga, kaasoo aan ka barnay xaggayaga cilmi.
  66. Muusaa wuxuu ku yiri [Khidir], “Ma ku raacaa si aad ii barto waxa lagu baray oo cilmi ah lagu hanuuno.”
  67. Wuxuu [Khidir] yiri, “Xaqiiqdii, ma karaysid la jirkayga sabra.”
  68. “Oo sidee baad ugu sabri karaysaa wax aadan ku koobin ogaal?”
  69. Muusaa wuxuu yiri, “Haddii Allaah idmo, waxaad iga heli doontaa sabar, oo kuguma caasin doono arrinna.”
  70. Wuxuu [Khidir] yiri, “Haddii aad i raacdo yaysan jirin wax aad wax iga waydiiso jeer aan anigu kaaga warramo.”
  71. Markaas bay dhaqaaqeen, ilaa markii ay koreen doon, wuxuu [Khidir] duleeliyay doontii. Muusaa wuxuu yiri, “Ma waxaad u duleelisay inaad hafiso dadkeeda? Xaqiiqdii waxaad la timid oo fashay arrin munkar ah.”
  72. Wuxuu [Khidir] yiri, “Sow kuuma aan sheegin inaadan karayn inaad ii yeelato sabar?”
  73. [Muusaa] wuxuu yiri, “Ha ii qaban wixii aan halmaamay, oo ha igu cuslayn arrinkayga oo ha igu adkayn.”
  74. Markaas bay tageen ilaa ay la kulmeen wiil, markaasuu [Khidir] wiilkii dilay. Muusaa wuxuu yiri, “Ma waxaad dishay naf aan danbi lahayn oo aan naf dilin? Waxaad dhabtii la timid munkar wayn aan la qaadan karin.”
  75. [Khidir] wuxuu yiri, “Sow kuuma sheegin inaadan karayn la jirkay sabar?”
  76. [Muusaa] wuxuu yiri, “Haddii aan ku waydiiyo wax ka dambeeya tani, ha ila rafiiqin, waxaad ka gaadhay oo heshay xaggayga garawsho.”
  77. Markaas bay tageen, ilaa markii ay yimaadeen xagga magaalo dadkeedu daggan yahay, markaas bay waydiisteen inay sooraan dadkeedu, waase diideen inay marti sooraan. Dabadeed waxay heleen dhexdeeda darbi ku dhaw inuu dumo, markaas buu [Khidir] toosiyay. [Muusaa] wuxuu yiri, “Haddii aad doonto waxaad hubaashii kaga qaadan kartay ujuuro.”
  78. [Khidir] wuxuu yiri, “Tani waa kala taggii dhexdeenna aniga iyo adiga, ee waxaan kaaga warramayaa fasirka wixii aad u sabri wayday.”
  79. “Xagga doontii waxaa lahaa dad masaakiin ah oo ka xoogsada badda. Markaas baan waxaan rabay inaan ceeb u yeelo, waxaana ahaa hortooda boqor ku qaata doon walba [oo fayow] xoog.”
  80. “Oo xagga wiilka, waxay ahaayeen labadiisii waalid mu’miniin, waxaana uga baqnay inuu ku dhibo xadgudub iyo gaalnimo.”
  81. “Oo waxaan doonnay inuu ugu baddalo Rabbigood mid isaga kaga roon xagga suubbanaanta oo naxariis dhaw.”
  82. “Oo xagga darbiga waxaa lahaa labo wiil oo agoomo ah oo joogay magaalada, waxaana hoostiisa ahaa maaliyad ay iyagu leeyihiin, oo aabbahood wuxuu ahaa nin wanaagsan, Wuxuuna Rabbigaa doonay inay tabar galaan oo lasoo baxaan maaliyaddooda naxariis ka ahaatay xagga Rabbigaa, aniguna kuma falin taladayda [ee Allaah baa ii waxyooday]. Waa kaas fasirkooda [waxyaalahaa] aad u sabri wayday.”
  83. Oo waxay wax kaa waydiinayaan Dul-Qarnayn. Dheh, “Waxaan idiin aqrin doonaa wax kamid ah warkiisa.”
  84. Waxaan Annagu u dhiibnay xukunka dhulka, oo waxaannu siinnay asbaabtii uu ku gaari lahaa cilmiga wax walba.
  85. Markaas buu raacay waddo.
  86. Ilaa markiii uu gaaray meesha ay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhacaysa il dhoobeey ah [muuqaalka ama biyo kulul], wuxuuna ka helay agteeda qawm, waxaan Annagu [Allaah] ku niri [waxyi ahaan], “Dul Qarnaynow! Ama ciqaab ama ula dhaqan si naxariis leh.”
  87. Wuxuu yiri, “Xagga kii fala dulmi [shirki iyo macaasi], waan ciqaabi doonaa, waxaana loo celin doonaa Rabbigiis, oo cadaabi doona cadaab daran.”
  88. “Xaggase kii [xaqa] rumeeya oo fala camallo wanaagsan, wuxuu leeyahay abaalgudka wanaagsan [Janno]. Innagana [Dul-Qarnayn] waxaan kula hadli doonnaa ereyo wanaagsan.”
  89. Markaasuu wuxuu qaaday waddo [kale].
  90. llaa uu gaaray meesha ay kasoo baxdo qorraxda wuxuu ka helay iyadoo usoo baxaysa qawm aannaan Annagu [Allaah] u yeelin meel ay ka galaan qorraxda.
  91. Sidaas [bay ahayd], oo waxaan dhabtii ogayn wax kasta oo ku saabsan isaga.
  92. Markaasuu wuxuu qaaday waddo [kale].
  93. Ilaa uu gaaray labada qar dhexdooda, wuxuu sokadooda ka helay [labadaas buurood] qawm si dhib leh ku fahma hal kalmad.
  94. Waxay yiraahdeen, “Dul-Qarnaynow! Xaqiiqdii waxay Ya’juuj iyo Ma’juuj ku falaan fasahaad wayn dhulka gudihiisa, ee ma ku siinnaa kharash si aad u yeeshid dhexdayada innaga iyo iyaga xannib?”
  95. Wuxuu yiri, “Waxaas [maal, xukum iyo awood] uu isiiyay Rabbigay baa ka khayr badan [kharashkiinna] ee igu caawiya xoog [rag] waxaan yeeli doonaa dhexdiinna xannibe.”
  96. “Ii keena gaballo [laban] bir ka samaysan,” markii uu simay oo buuxshay labadii gaw ee labada buur dhexdooda, wuxuu yiri, “Afuufa,” ilaa markii uu ka dhigay [casaan sida] dab ah, wuxuu yiri, “Ii keena aan ku shubo’e maar la dhalaaliyay.”
  97. Markaa baa [Ya’juuj iyo Ma’juuj] waxaa laga yeelay kuwa aan karin inay soo tafaan ama ay duleeliyaan.
  98. [Dul-Qarnayn] wuxuu yiri, “Waxaani waa naxariis xagga Rabbigay ah, markiise uu yimaado yabooha Rabbigay, wuxuu ka yeeli doonaa digada oo la simi doonaa dhulka, oo yabooha Rabbigay waa xaq.”
  99. Oo waxaan kaga tagi doonnaa Maalintaas [waa maalinta Ya’juuj iyo Ma’juuj ay bannaanka iman doonaan] qaarkood inuu daba joogo sidii hirar oo kale qaar kale, waxaana la afuufi doonaa Suurka, waana isu wada keeni doonnaa oo soo kulmin doonaa dhammaantood kulmin.
  100. Oo waxaan u bandhigi doonnaa Naarta Maalintaas gaalada bandhig.
  101. Kuwii ay indhahoodu ka daboollaayeen waanadayada [Qur’aankani], ee aan kari jirin inay maqlaan.
  102. Ma waxay moodeen kuwa gaaloobay inay ka dhigan karaan addoomahayga [sida malaa’igta, rususha Allaah, Ciisaa ina Maryam, Cuzayr, anbiyada, saalixiinta iyo kuwa lamida] awliyo [yacni rabbiyo, ilaahyo, gargaarayaal iyo wixi lamida] Aniga sokaday? Waxaan u diyaarinnay Naar gaalada dagaan ahaan.
  103. Dheh [Muxammadow], “Ma idiin ka warramaa kuwa ugu khasaaro badan xagga acmaashooda?”
  104. “Waa kuwaa camalladoodu ku dhumeen noloshan adduunka, halka ay moodayaan inay ku samaysanayaan samaan camalladooda?”
  105. “Kuwaasu waa kuwa ku gaalooba aayadaha Rabbigood iyo la kulankiisaba [Aakhirada]. Marka waxaa buray camalladooda, mana siin doonno Maalinta Qiyaamaha wax miizaan iyo qiimo ah.”
  106. Waa sidaas abaalkoodu, Naar, gaalnimadoodii darteed oo waxay ka dhigteen aayadahaygii iyo rusushaydii jees jees.
  107. Xaqiiqdii kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan waxay leeyihiin beeraha Al-Firdaws [Janno] dagaan ahaan.
  108. Iyagoo ku waaraya [waligood] mana rabi doonaan in looga rug dooriyo.
  109. Ku dheh [Muxammadow dadka], “Haddii ay baddu ahaan lahayd khad loogu tala galay [qoridda] Kalmadaha Rabbigay, hubaashii baddu waa dhammaan lahayd inta aysan dhammaan Kalmadaha Rabbigay, xataa haddii aan keenno [bad kale] oo lamid ah taakulo ahaan.
  110. Dheh [Muxammadow], “Waxaan anigu ahay oo kaliya qof idinkoo kale ah, waxaa la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu sideedaba yahay Ilaah mid ah [Allaah kaliya], ee kii rajaynaya la kulanka Rabbigi, ha u dhaqmo si suubbanaan ah oo ha falo camallo wanaagsan oo yuusan la wadaajin cibaadada Rabbigiis axadna.”

Suuradda 19aad: Maryam

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Kaaf Haa Yaa Cayn Saad [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah [kaliya] baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. [Kani] waa xusid qaar kamid ah naxariista Rabbigaa ugalay addoonkiisii Zakariyaa.
  3. Markii uu udhawaaqday Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah.
  4. Wuxuu yiri, “Rabbiyow, anigu way tabar yareeyeen lafahaygii filwayni darteed, oo wuxuu la huray [oo caddaaday] madaxayguna cirro, mana ahayn baryadaada Rabbiyow mid ku hungooba.”
  5. “Oo waxaan anigu u cabsanayaa xigtada iga dambaysa [inay xumaadaan], haweentayduna waa ma dhasho, ee iga sii xaggaaga wali [walad].”
  6. “Idhaxla oo dhaxla [sidoo kale tarakadii] reer Yacquub [dhaxlidda cilmiga diinta iyo nabinnimada, ee ma aha maalka iyo xoolaha iyo wixi lamida] oo ka yeel Rabbiyow mid laga raalli yahay.”
  7. [Allaah wuxuu yiri], “Zakariyow! Waxaannu kuugu bishaaraynaynaa will magaciisu yahay Yaxyaa, uma aanu yeelin horay wax la magac ah.”
  8. Wuxuu yiri, “Rabbiyow sidee baan yeelanayaa wiil iyadoo haweentaydu tahay ma-dhasho, waxaan dhabtii ka gaaray waynida gabow cutush ah.”
  9. Wuxuu yiri, “Waa sidaas, wuxuuna Rabbigaa leeyahay, ‘Waa ii fudud yahay arrinkaasu, oo waxaan dhabtii ku abuuray awal horaba adigoo aan ahayn waxba.’”
  10. [Zakariya] wuxuu yiri, “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yiri, “Calaamaddaadu waa inaadan la hadli doonin dadka saddex habeen adigoo fayow.”
  11. Markaas buu ugasoo baxay qawmkiisii mixraabka [mawlac, qol u gaar ah salaadda iyo wixi lamida], wuxuuna ugu sheegay tilmaan inay tukadaan oo ku tasbiixsadaan ammaanaha Allaah subax iyo galabba.
  12. [Waxaa lagu yiri wiilkiisii], “Yaxyow! Ku qaado Kitaabka [Tawraadda] xoog.” Waxaannuna siinnay xikmad isagoo yar.
  13. Oo waxaannu [ka yeellay] mid ay jeclaadaan dadka naxariis [[ama deeq] ka ahaatay xaggayaga ahaan, oo daahir ka ah danbiyada [waa Yaxya’e], wuxuuna ahaa taqi suubban, oo xumaha ka dhawrsada.
  14. Oo baari u ah waalidkiis, oo ma ahayn macangag madax adag oo caasi ah.
  15. Nabad korkiisa ha ahaato maalintii la dhalay, iyo maalinta uu dhinto iyo maalinta lasoo bixin doono isagoo nool.
  16. Oo ku xus Kitaabka [Qur’aanka Muxammadow qisada] Maryam, markii ay uga fogaatay ehelkeeda meel ban ah [bariga Qudus].
  17. Waxay ka yeelatay xaggooda daah [ay kaga xijaabto nafteeda iyaga], markaas baan waxaan usoo dirnay Ruuxayagii [malag Jibriil], oo kagasoo hor baxay muuqaalka qof caadi ah dhinac kasta marka laga eego.
  18. Waxay tiri, “Waxaan kaa magan galay naxariistaha [Allaah] haddii aad tahay mid Allaah ka cabsada.”
  19. [Malaggii] wuxuu yiri, “Waxaan ahay oo kaliya rasuulkii Rabbigaa si aan [kuu ogaysiiyo] deeqda wiil daahir ah.”
  20. Waxay tiri, “Oo sidee u yeelan karaa wiil, anigoo uusan itaaban nin, mana ahi naag xun oo dhillo ah?”
  21. Wuxuu yiri, “Waa sidaas, wuxuuna leeyahay, ‘Taasi waa ii fududdahay, [waxaannuna rabnaa] si aan ugaga dhigno calaamo dadka iyo naxariiis xaggayaga ah, waana arrin [horay] loo qaddaray [loo guddoonshay xagga Allaah].’”
  22. Markaas bay xaamilo noqotay [uur qaadday], waxayna ula durugtay meel fog [Baytu Laxam tog 4 ilaa 6 mayl u jira Qudus].
  23. Xanuunkii foosha baana gaysay geed timireed salki. Waxay tiri, “Alla haddii aan dhiman lahaa waxaan ka hor oo aan ahaan lahaa wax la halmaamay oo la waayoba araggeeda.”
  24. Markaas buu [cunugii Ciisaa ama Jibriil] uga dhawaaqay meel ka hoosaysa, isagoo leh, “Ha murugoon! Wuxuu yeelay Rabbigaa hoostaada biyo durdur ah.”
  25. “Oo usoo rux rux xaggaaga jirridda geed timireedka, wuxuu kuusoo daadin doonaa timir cusub oo curdan ah.”
  26. “Ee cun oo cab oo il qabowso, haddiina aad aragtid cid uun dadka kamid ah dheh, ‘Waxaan anigu u nadray sawm naxariistaha [Allaah] marka lama hadli doono maanta cidna.’”
  27. Markaas bay ula tagtay [ilmihii yaraa Ciisaa] qawmkeedii iyadoo xambaarsan. Waxay yiraahdeen, “Maryamay waxaad dhabtii la timid wax [aan la maqal] oo wayn oo yaab leh.”
  28. “Haaruun walaashiisay, aabbahaa ma ahayn nin xun, hooyadaana ma ahayn haweenay aan dhawrsanayn.”
  29. Markaas bay u ishaartay xaggiisa. Waxay yiraahdeen, “Sidee baan ula hadlaynaa ilmo dhashay oo dhabta lagu hayo?”
  30. Wuxuu [Ciisaa] yiri, “Anigu waxaan ahay addoon Ilaahay, wuxuu isiiyay Kitaabka [Injiilka] oo iga yeelay nabi.”
  31. “Oo wuxuu iga yeelay mid barakaysan meeshii aan joogaba, wuxuuna igu farad yeelay salaadda iyo zakada inta aan noolahay.”
  32. “Iyo inaan baarri u ahaado hooyaday, igamana yeelin macangag madax adag.”
  33. “Nabadi ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalinta aan dhiman doono iyo maalinta la isoo bixin doono anigoo nool.”
  34. Kaasi waa Ciisaa ina Maryam, waa qawl xaq ah oo ay ka shakiyaan [ama ka doodaan].
  35. Kuma habboona Allaah inuu yeesho ilmo [tani waxay tilmaamaysaa aflagaaddada Nasaarada ay af lagaaddeeyaan Allaah, marka ay leeyihiin Ciisaa waa wiilkii Allaah]. Ka nazahan [oo waa ka korreeyaa dhammaan waxa ay la wadaajinayaan cibaadada. Markii uu [Allaah] guddoonsho arrin, wuxuu oo kaliya ku yiraahdaa ahaw waana ahaadaa.
  36. [Ciisaa wuxuu yiri], “Oo xaqiiqdii Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, ee caabuda, sidaas baa ahe jidka toosan.”
  37. Markaas bay xizbiyadii gudahooda iska khilaafeen [yacni waa Nasaarada baa gudahooda iska khilaafay khilaaf ku saabsan Ciisaa], ee hoog baa u sugnaaday gaalada [kuwa fura markhaati beenaadka in Ciisaa yahay Allaah ama wiilkii Allaah] hoog ku dhici doono o ay la kulmi doonaan maalin wayn [maalinta Qiyaamaha].
  38. Maxay si cad iyagu [mushrikiinta iyo gaalada iyo wixi lamida] wax u arki iyo maqli doonaan, maalinta la keeni doono hortayada! Laakiinse daalimiintu [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha] maanta waxay ku sugan yihiin baadi cad.
  39. Oo uga dig [Muxammadow] maalinta qoomamada marka la gooyo arrinka, halka [ay hadda iyagu ku jiraan] xaalad ah dhoohnaan oo aanay iyagu [xaqa] rumayn.
  40. Waxaan annagu dhaxli doonnaa dhulka iyo waxa korkiisa joogaba, oo xaggayaga baa dhammaantood loosoo celin doonaa.
  41. Oo ku xus Kitaabka [Qur’aanka] Ibraahiim, xaqiiqdii wuxuu ahaa runlow nabi ah.
  42. Markii uu ku yiri aabbihiis, “Aabbow! Maxaad u caabudaysaa wax aan wax maqlayn oo aan wax arkayn oo aan ku tari karin waxna?”
  43. “Aabbow! Xaqiiqdii waxaa ii yimid wax kamid ah cilmi aan kuu imaan, ee iraac aan kugu hanuuniyo jid toosan.”
  44. “Aabbow! Ha caabudin Shaydaan, xaqiiqdii Shaydaan wuxuu ku yahay Raxmaanka [naxariistaha Allaah] caasi.”
  45. “Aabbow! Anigu waxaan ka cabsanayaa inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka [naxariistaha], oo aad u noqoto Shaydaan xigaalo [Naarta gudaheeda].”
  46. Wuxuu [aabihii] yiri, “Ma waxaad adigu diidaysaa ilaahyadayada, Ibraahiimow? Haddii aadan ka harin [waxakani], wallee waa ku dhagaxyayn doonaa, ee iga tag intaanan ku ciqaabin adigoo fayow.”
  47. Ibraahiim wuxuu yiri, “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi doonaa danbi dhaaf Rabbigay, xaqiiqdii waa mid ii roonaan badan.”
  48. “Oo waa idin ka fogaanayaa idinka iyo waxa aad baryaysaanba Allaah sokadi, oo waxaan baryayaa Rabbigay [Allaah kaliya], waxaana rajayn inaanan noqon mid baryada Rabbigay ku hungooba.”
  49. Markii uu ka fogaaday iyaga iyo waxa ay caabudayaanba Allaah sokadi, waxaan u hibeennay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana oo kamid ah waxaan ka yeelnay nabi.
  50. Oo waxaannu wax ka siinnay naxariistayada [rizqi wanaagsan oo badan], oo waxaannu siinnay magac iyo sharaf ku dareerta carrabyada [ummadaha oo dhan, yacni qof walba wuxuu ku xusaa ammaan wanaagsan oo sare].”
  51. Oo ku xus Kitaabka [Qur’aanka] Muusaa, wuxuu ahaa xul la doortay oo uu kali yeela Allaah cibaadada, wuxuuna ahaa rasuul nabi ah.
  52. Oo waxaan uga dhawaaqnay dhinaca buurta Duur ee midigta ah, waxaana usoo dhawaynnay xaggayaga annaga oo la faqayna.
  53. Oo waxaannu ku galladaysannay naxariistayada ahaan walaalkiis Haaruun [oo sidoo kale ah] nabi ah.
  54. Oo ku xus Kitaabka [Qur’aanka] Ismaaciil, wuxuu ahaa ballan oofshe, wuxuuna ahaa rasuul nabi ah.
  55. Oo wuxuu amri jiray ehelkiisa salaadda iyo zakada, oo wuxuu ahaa mid Allaah agtiis lagaga yahay raalli.
  56. Oo ku xus Kitaabka [Qur’aanka] Idriis, wuxuu ahaa run badane nabi ah.
  57. Oo waxaannu u qaadnay meel sare.
  58. Kuwaasu waa kuwa uu Allaah u nicmeeyay oo nabiyadii kamid ah, kamid ah ubadkii Aadam, iyo kuwii aan kula qaadnay [doonta gudaheeda] Nuux, oo kamid ah ubadkii Ibraahiim iyo Israa’iil [Yacquub] oo kamid ah kuwii aan hanuuninnay oo doorannay. Markii loo aqriyo aayadka Raxmaanka [naxariistaha], waxay ula dhacaan dhulka sujuud iyo oohin.
  59. Waxaase ka gadaal mar ay haraa dayacay salaadda oo raacay hawooyinkooda, waxayna la kulmi doonaan hoog.
  60. Marka laga reebo ciddii tawbad keenta oo [xaqa] rumaysa, oo u dhaqanta si suubbanaan ah, kuwaasu waxay gali doonaan Jannada, lagamana dulmin doona waxba.
  61. Beero nagaya [Jannati Cadan bay gali doonaan] oo uu Raxmaanku [naxariistaha] ugu yaboohay addoomihiisa ġaybka [iyagoon arag], yaboohiisu waa kii yimaada.
  62. Kuma ay maqli doonaan dhexdeeda [Jannada] wax laġwi ah [hadal xun, been, af lagaaddo iyo wixi lamida] waxay maqli doonaan oo kaliya salaam [is nabaadin], oo waxay ku leeyihiin rizqigooda subax iyo galabba.
  63. Taasu waa Jannada aan dhaxalsiin doonno addoomahayaga kooda ka dhawrsada xumaha.
  64. Innaguna [malaa’igta ah] kumasoo degno waxaan ahayn amarka Rabbigaa [Muxammadow] Isaga baa leh waxa hortayada ah iyo waxa gadaashayada ah iyo waxa labadaa u dhexeeyaba, oo Rabbigaa ma aha mid wax halmaama.
  65. Waa Rabbiga cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya, ee caabud Isaga [kaliya] oo ku sabar oo sugnow caabudiddiisa. Ma waad u og tahay wax la magac iyo mid ah?
  66. Oo wuxuu Aadamuhu [kan gaalka ahi] yiraahdaa, “Ma markii aan dhinto, miyaa la isoo bixin doonaa anigoo nool [mar kale]?”
  67. Mawuusan Aadamuhu xusuusnayn inaan abuurnay awal hore isagoo aan waxba ahayn?
  68. Ee Rabbigaa baan ku dhaartaye, waannu soo kulmin doonnaa iyaga iyo shaydaammadaba, waxaana keeni doonnaa hareeraha Jahannama iyagoo jilba jabsan.
  69. Markaas waxaan hubaashii kasoo siibi doonnaa shiico walba kuwooda ugu macangagsanaa xagga Raxmaanka.
  70. Annaga baana og kuwa usii mudan Naarta galiddeeda.
  71. Oo ma jiro mid idin kamid ah oo aan dul mari doonin [Naarta] korkeeda, tani waxay ku tahay Rabbigaa guddoon waajib oo xukman.
  72. Markaas waxaannu badbaadin doonnaa kuwii ka dhawrsaday [shirkiga iyo macaasida], oo waxaan uga tagi doonnaa daalimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] dhexdeeda iyagoo ku jilbo jabsan.
  73. Oo marka loo aqriyo aayadahayaga cad cad waxay kuwii gaaloobay [maal qabeennadii iyo duqaydii ka tirsanayd mushrikiintii Quraysh ee ku noolaa nolol raaxo leh] ku yiraahdaan kuwa [xaqa] rumeeyay [saboolka iyo kuwa tabarta yar ee kamid ah asxaabta Nabi Muxammad], “Midkee baa labada qolo [gaalada iyo mu’miniinta] meeqaan wanaagsan oo gole fiican?”
  74. Intee baana qaaruun [ummado hore] halaagnay hortood, oo ka wanaagsanaa hanti, alaab iyo aragba?
  75. Dheh [Muxammadow] kii kastoo ku jira baadinnimo, waa uu u seeto dheerayn doonaa [xarigga] Raxmaanku [Allaah] oo ufidin [sugi] doonaa fidin, ilaa markii ay arkaan waxa loo yaboohay oo ama cadaabka ah ama Saacadda, markaa waxay ogaan doonaan kii meeqaan liita oo tabar yar ciidan ahaan.
  76. Oo wuxuu Allaah u kordhiyaa kuwa hanuunay hanuun, oo camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa khayr badan Rabbigaa agtiis abaal gud ahaan oo aayo wanaagsan.
  77. Ka warran kii ku gaaloobay aayadahayaga [Qur’aankan iyo Nabi Muxammad] oo [haddana waliba] oranaya, “Waxaa hubaashii la isiin doonaa maal iyo carruur [haddiiba aan ahaan doono mid nolol la galiyo mar kale].”
  78. Ma wuxuu daalacday cilmi ġaybka mise ka yeeshay Raxmaanka agtiis cahdi.
  79. Mayee, waa qori doonnaa waxa uu yiraahdo, oo waan u kordhin doonnaa cadaabka oo u fidin doonnaa fidin.
  80. Oo waxaan ka dhaxli doonnaa [waqtiga dhimashadiisa] waxa uu ka hadlo oo dhan [waa maalka iyo carruurta aan ku galladaysannay adduunkan] oo wuxuu noo iman doonaa isagoo kali ah.
  81. Oo waxay yeesheen Allaah sokadi ilaahyo kale [oo baadil ah], si ay u siiyaan cizo [sharaf, awood iyo wixi lamida].
  82. Mayee, bal kuwa [waxa ay ku magacaabaan ilaahyo] waa ku gaaloobi doonaan cibaadadooda, oo ku noqon doonaan col [maalinta Qiyaamaha].
  83. Ma waadan ogaan inaan kusoo dirno shaydaammada gaalada si ay ugu riixaan inay falaan xumaan riixid.
  84. Ee ha dagdagsan wax ka qabashadooda, wax kale ma’ahee waxaan u tirinnaa oo kaliya maalmo tiro go’an ah oo ka tirsan [maalmaha nolosha adduunka oo u dib dhignaa muddadooda si ay u kororsadaan xumaan iyo danbiyo].
  85. Maalinta aan usoo kulmin doonnaa kuwa iska jira [shirkiga iyo macaasida] xagga Raxmaanka [Allaah] iyagoo wafdi ah.
  86. Oo aannu u kaxayn doonnaa mujrimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] xagga Naarta iyagoo jalaqle aroor ah [sida geel asqoobay oo loo kaxeeyay biyo].
  87. Mana hantaan shafeeco mid maahee ka yeeshay cahdi xagga Raxmaanka [Allaah].
  88. Oo waxay yiraahdaan, “Raxamaanku [Allaah] wuxuu yeeshay carruur [siday Yuhuuddu tiraahdo Cuzayr waa wiilkii Allaah, Nasaaraduna waxay yiraahdaan Ciisaa waa wiilkii Allaah, mushrikiinta Carabtana malaa’igtu waa gabdhihii Alle].
  89. Waxaad la timaaddeen [yacni ku hadasheen] wax baas oo daran.
  90. Oo ay sigayaan samooyinka inay la dildillaacaan, oo ay la jeexanto arladu, oo la dhacaan buuruhu oo la burburaan.
  91. Waa inay ku tilmaamaan oo u tiriyaan xagga Raxmaanka [Allaah] carruur.
  92. Oo kuma habboona [waynida] Raxmaanka [Allaah] inuu yeesho carruur.
  93. Wax kasta oo ku sugan samooyinka iyo arlada waxay u imaan doonaan Raxmaanka [Allaah] addoon ahaan.
  94. Wuxuu dhabtii ku koobay tiro koob dhan.
  95. Mid kasta oo kamid ahina wuxuu ugu imaan doonaa Allaah maalinta Qiyaamaha kali ahaan.
  96. Xaqiiqdii kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan, wuxuu Raxmaanku [Allaah] u galin doonaa kalgacayl [qalbiyada mu’miniinta].
  97. Ee waxaan ugu fududaynay [Qur’aanka] carrabkaaga [Muxammadow] oo kaliya si aad ugu bishaarayso [Qur’aanka] kuwa iska jira [shirkiga iyo macaasida] ee ka cabsada Allaah, oo ugu digto kuwa [aan rumayn Allaah iyo Rasuulkiisa] ee ka dooda [waxa uu Allaah waajib yeelay].
  98. Oo intee baan halaagnay hortood qarniyo? Ma ka aragtaa [Muxammadow] qof kaliya oo kamid ah iyaga mase ka maqashaa xaggooda in yar oo shanqar ah?

Suuradda 20aad: Daa-Haa

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Taa Haa [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah kaliya baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Kuuguma aannu soo dajin Qur aanka [Muxammadow] inaad ku dhibtooto.
  3. Waase waanada ciddii ka cabsata [Allaah].
  4. Waa soo dajinta [Allaah] ee ah kan abuuray arlada iyo samooyinka sare.
  5. Raxmaanku [Allaah] istawaa [wuxuu kor ahaaday] Carshiga [wayn si u qalanto oo ku habboon waynida iyo haybaddiisa].
  6. Isaga baa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa arlada ah iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska.
  7. Oo haddii aad [Muxammadow] kor codka ugu qaaddo hadalka [baryada], xaqiiqdii [Allaah] waa og yahay sirta iyo wixii kasii qarsoonaan badanba.
  8. Allaah! Ma jiro ilaah xaq ah aan Isaga ahayn, wuxuu leeyahay magacyada wanaagga badan.
  9. Oo miyay kuu timid qisadii Muusaa?
  10. Markii uu arkay dab, wuxuu ku yiri reerkiisii, “Suga! Waxaan arkaa dab. Waa intaasoo aan idiin ka keenaa dhimbilo dab ah, ama aan ka helaa dabka wax i tilmaama.”
  11. Markii uu yimid [Muusaa] dabkii, waxaa Ioogu dhawaaqay, “Muusow!”
  12. “Anigu waxaan ahay Rabbigaa! Ee iska bixi kabahaaga, waxaad joogtaa togga [Duwaa] ee daahirka ah.”
  13. “Oo Aniga baa ku doortay ee dhagayso waxaa Iaguu waxyoonayo.”
  14. “Anigu waxaan ahay Allaah, ma jiro ilaah xaq ah aan ahayn Aniga, ee Aniga [oo kaliya] i caabud, oo u oog salaadda xuskayga.”
  15. Xaqiiqdii, Saacaddu waa imaanaysaa, rabitaankayguna waa inay qarsanaato si qof walba Ioogu abaal mariyo waxa uu camal fasho.
  16. “Ee yuusan kaa jeedin xaggeeda midka aan rumaysnayn waxa ku sugan [waa Maalinta Qiyaamaha oo leh xisaab, Janno, Naar iyo wixi lamida] ee raaca hawadiisa, si aadan u halaagsamin.”
  17. “Oo waa maxay taasi ku jirta midigtaada Muusow?” [Ogaal waydiin.]
  18. Wuxuu yiri, “Waa ushaydii, oo aan cuskado, waxna ugu jafto arigayga, oo ayna iigu jiraan dano kale.”
  19. [Allaah] wuxuu yiri, “Bal hoos u tuur usha Muusow!”
  20. Wuxuu u tuuray hoos, mise waa mas ordaya!
  21. Allaah wuxuu yiri, “Qaado, oo ha cabsan, Waxaannu ku celin doonnaa sideedii hore.”
  22. “Oo ku nab gacantaada [midig] dhinacaaga [bidix], waxay soo baxaysaa isla markiiba caddaan [ifaysa] cudur la’aan, waana calaamad kale.”
  23. “Waa si aan wax kaaga tusinno [qaar kamid ah] calaamooyinkayaga waawayn.”
  24. “U tag Fircoon! Waa uu xad gudbaye.”
  25. Muusaa wuxuu yiri, “Rabbiyow ii waasici laabtayda.”
  26. “Oo ii fududee hawshayda.”
  27. “Oo iiga fur guntinta [iinta] carrabkayga.”
  28. “Si ay u fahmaan hadalkayga.”
  29. “Oo ii yeel caawiye ehelkayga ah,”
  30. “Haaruun, walaalkay.”
  31. “Ku adkee [xooji] tabartayda,”
  32. “Oo igala qayb gali [wadaaji] arrinkayga [nabinnimada iyo wixi lamida].”
  33. “Si aan kuugu tasbiixsanno wax badan.”
  34. “Oo aan kuu xusno wax badan,”
  35. “Adigu waxaad tahay mid mar walba na arka’e.”
  36. Allaah wuxuu yiri, “Waa lagu siiyay codsigaagii Muusow!”
  37. “Oo waxaan dhabtii ku siinnay gallad oo aan kuu nicmeennay waqti kale [oo hore].”
  38. “[Xus] markii aan hooyadaa u waxyoonnay wixii aan waxyoonnay.”
  39. “Annagoo ku leh, ‘Ku tuur [wiilka yar Muusaa] taabuutka [sanduuq iyo wixi lamida] oo ku tuur wabiga [Niil], markaasna wabigu wuxuu kusoo tuuri doonaa xeebta, halkaasna waxaa qaadan doona cadow aan leeyahay, oo isna cadaw u ah!’ Oo waxaan kugu tuuray kalgacalo xaggayga ah, si laguugu koriyo ishayada hoosteeda.”
  40. “[Xus] markii ay tagtay walaashaa iyadoo leh, ‘Ma idin tusaa cid idiin korinaysa [nuujinaysa]?’ oo aan kuusoo celinnay hooyadaa si ay u il-qabowsato oo aysan u murugoon. Waxaadna dishay nin, waanse kaa badbaadinnay walbahaar wayn, oo ku imtixaannay imtixaan culus, oo waxaad ku nagaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Markaas waxaad ku timid halkaan Qaddar Allaah, Muusow!”
  41. “Oo waxaan kuu doortay Naftayda [yacni gaarsiinta dhambaalkayga].”
  42. “La taga adiga iyo walaalkaa aayadahayga, oo ha ka daalina xuskayga.”
  43. “Aada xagga Fircawn, xaqiiqdii waa uu xadgudbaye.”
  44. “Oo kula hadla hadal nugul, waa intaasoo uu waansamo ama baqo.”
  45. Waxay yiraahdeen, “Rabbiyow! Waxaan ka cabsanaynaa inuu noo gafo ama nagu xadgudbo.”
  46. Allaah wuxuu yiri, “Ha cabsannina, Aniga baa idin la jira, maqlaya oo arkaya.”
  47. “Ee u taga [Fircawn] idinkoo dhahaya, ‘Waxaannu nahay rusushii Rabbigaa, ee nagu dar reer Banii Israa’iil oo ha cadaabin, waxaan dhabtii kuula nimid calaamo xagga Rabbigaa ah, oo nabad korkiisa ha ahaato ciddii raacda hanuunka.’”
  48. “Waxaa dhabtii innaga naloo waxyooday inay cadaab u sugnaatay kii beeniya [xaqa] oo ka jeesada.”
  49. Fircoon wuxuu yiri, “Waa kuma Rabbigiin, Muusow?”
  50. [Muusaa] wuxuu yiri, “Rabbigayo waa kan siiyay wax walba qaabka iyo dabeecaddooda oo hanuuniyay.”
  51. [Fircoon] wuxuu yiri, “Ka warrama xaalka qaaruumihii hore?”
  52. [Muusaa] wuxuu yiri, “Cilmigoodu wuxuu la jiraa Rabbigay, Kitaab buu ku yaaL Rabbigay wax kama war la’a, oo ma halmaamo.”
  53. Waa Kan idiin ka dhigay dhulka gogol [fidsan], oo idiin ka furay waddooyin [jidad iyo wixi lamida] dhexdeeda, oo kasoo dajiyay cirka biyo [roob], oo aan kusoo saarnay dhir noocyo kala duwan ah iyo doog.
  54. Ee cuna oo daaqsada xoolihiinna, xaqiiqdii waxaa taas ugu sugan calaamooyin kuwa caqliga leh.
  55. Xaggeeda [dhulka] baan idin ka abuurnay, gudaheeda baana idin ku celin doonnaa, oo xaggeeda baan idin kasoo saari doonnaa mar kale.
  56. Oo waxaan dhabtii tusnay [Fircawn] calaamooyinkayagii oo dhan, waase uu beeniyay oo diiday.
  57. Wuxuu [Fircawn] yiri, “Ma waxaad noogu timid inaad nooga saarto dhulkayaga sixirkaaga Muusow?”
  58. “Waxaan hubaashii kuula imaan doonnaa sixir lamid ah, ee noo yeel ballan [oo waqti noo qabo] aan ku kulanno innaga iyo adiguba, oo aannaan ka dib dhici doonin innagu iyo adiguba meel fagaare ah.”
  59. [Muusaa] wuxuu yiri, “Madashiinnu [waqtiga kulanka] waa maalinta Ciidda, dadkuna ha la isku keeno markii ay qorraxdu kacdo [barqadii].”
  60. Markaasuu Fircoon tagay oo isu keenay dhagartiisii oo soo laabtay.
  61. Muusaa wuxuu ku yiri, “War hooy magaciin ba’ye, haku been abuurannina Allaah, yuusan idin ku dabar goyne cadaab, oo waxaa dhabtii hoogay oo halaagsamay kii ku been abuurtaa [Allaah].”
  62. Markaas bay ka doodeen arrinkooda dhexdooda oo qarsadeen faqooda.
  63. Waxay yiraahdeen, “Xaqiiqdii kuwani waa labo saaxir doonaya inay idiin ka saaraan dhulkiinna sixirkooda, oo la tagaan dariiqadiinna fiican.”
  64. “Ee isu geeya tabtiinna oo imaada idinkoo saf ah, waxaa dhabtii liibaanay maanta kii sare ahaada.”
  65. Waxay yiraahdeen, “Muusow ama adigu tuuro marka hore mise innaga baa ahaanna kuwa hor tuurta?”
  66. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Mayee, tuurta idinka [marka hore]!” Mise xargahoodii iyo ulahoodii waxaa loogu ekaysiiyay sixirkoodii dartiis sida inay ordayaan.
  67. Oo wuxuu ka dareemay naftiisii cabsi Muusaa.
  68. Waxaan Annagu [Allaah] niri, “Ha cabsan, xaqiiqdii waa adiga kan sarreeya.”
  69. “Oo tuur waxa ku jira gacantaada midig! Waxay guran doontaa iyadoo liqliqi waxa ay sameeyeen, waxa ay sameeyeenna wax kale ma aha ee waa oo kaliya xeelad saaxir, saaxirna marnaba ma liibaano [meel uu tagaba, waxnana ma aha wixii xeel aqoon ah intay doontaba ha la ekaatee] uu layimaado.”
  70. Markaas bay la dhaceen sixiroolayaashii sujuud. Waxay yiraadeen, “Waxaan rumaynay Rabbiga Haaruun iyo Muusaa.”
  71. [Fircoon] wuxuu yiri, “Ma waxaad rumayseen [Muusaa] ka hor inta aanan idiin idmin? Xaqiiqdii waa kii idiin ku waynaa ee idin baray sixirka. Waxaan hubaashii goyn doonaa gacmahiinna iyo lugihiinna isdhaaf, oo idin ku daldalayaa geed timireed salkiisa, walleena waad ogaan doontaan midkaayagii [aniga ama Rabbiga Muusaa] cadaab daran oo daa’imsan.”
  72. Waxay yiraahdeen, “Kaa dooran mayno waxa noo yimid oo xujooyin iyo caddaymo ah iyo Kan [Allaah] ee na abuuray, ee go’aanso wixii aad rabto inaad go’aansato, waxaad oo kaliya wax ka go’aamin kartaa [wixii la xiriira] noloshatan adduunka.”
  73. “Innagu waxaan rumaynay Rabbigayo [Allaah] si uu noogu dhaafo gafafkayaga iyo waxa aad nagu khasabtay oo sixir ah. Allaah baana khayr badan xagga abaalmarinta marka loo eego abaal marintaada [Fircoonow], oo Allaah baa sii daa’imsan [xagga ciqaabta marka loo eego ciqaabtaada].
  74. Xaqiiqdii, kii kastoo u yimaada Rabbigiis isagoo mujrim ah [mushrik, gaal, danbiile iyo wixi lamida] hubaashii jazahiisu waa Naar uusan ku dhimanayn, kuna noolanayn.
  75. Kiise u yimaada [Allaah] isagoo mu’min ah oo falay camallo wanaagsan oo suubban, kuwaasi baa leh darajooyinka sare [Aakhirada].
  76. Beero nagaya [Jannatu Cadni bay galayaan] oo ay hoos qulqulayaan wabiyo, oo ay dhexdeeda ku waari doonaan weligood. Sidaasu waa abaalka kuwa ka daahiriya naftooda [shirkiga iyo macaasida].
  77. Oo waxaan dhabtii u waxyoonnay Muusaa [Annagoo ku leh], “Guura ku bax habeenkii iyagoo ay ku wehliyaan addoomahayga oo uga jeex waddo badda dhexdeeda qallalan, adigoo aan ka cabsanayn inuu ku qabto oo kusoo gaaro [Fircoon] oo aan ka cabsanayn [inaad ku hafto badda].”
  78. Oo waxaa raacay Fircoon oo wata askarahiisii, waxaase ka daboolay biyaha badda wixii daboolay.
  79. Oo wuxuu dhumiyay Fircoon qawmkiisa, mana uu hanuunin.
  80. Reer Banii Israa’iilow! Waxaan idin ka samata bixinnay cadawgiinna, waxaana idin kula gallay cahdi dhinaca midig ee Buurta, oo waxaan idiin soo dajinnay Mannaa [macaan, malab] iyo Salwaa [shimbir hilib wanaagsan].
  81. [Annagoo leh] cuna wax kamid ah waxyaalaha wanaagsan [yacni waxyaalaha xalaasha ah] oo aan idin ku irzaaqnay, oo haku xadgudbina [dhulka] dhexdiis, yaysan idin ku dhicin caradaydu, kii ay ku dhacdaa caradaydu dhabtii waa uu halaagsamay.
  82. Oo Anigu waan u danbi dhaaf badanahay kii isagu tawbad keena oo [xaqa] rumeeya oo fala camallo wanaagsan oo suubban, oo ku sugnaada faliddooda camalladaa [tan iyo geeridiisa].
  83. “Oo maxaa kaasoo dadajiyay qawmkaagii Muusow?”
  84. Wuxuu yiri, “Waa kuwaan kusoo jooga raadkayga, oo waan kuusoo dagdagay Rabbiyow si aad iiga raalli noqoto.”
  85. [Allaah] wuxuu yiri, “Annagu waxaan dhabtii imtixaannay qawmkaagii gadaashaa [intii aad ka maqnayd], oo waxaa dhumiyay Saamiri.”
  86. Markaas buu u noqday Muusaa qawmkiisii isagoo caraysan oo calool xun. Wuxuu yiri, “Qawmkayow! Ma wuusan idiin yaboohin Rabbigiin yabooh wanaagsan? Ma waxaa idin ku dheeraaday yaboohii? Mise waxaad doonteen inay idiin ku dhacdo caro xagga Rabbigiin ah, oo aad markaas ka baxdeen ballankii aad ila gasheen [oo ku gaalowdeen Allaah, oo caabudeen dibi]?”
  87. Waxay yiraahdeen, “Ugama aannu bixin ballankii aan kula gallay ikhyaarkayaga, laakiinse waxaa nala saaray culaab qawmkii [Fircoon] waxyaalihii ay isku qurxin jireen ah, markaas baan ku tuurnay [xagga dabka], sidaasina waxay ahayd sida uu u tuuray Saamiri.”
  88. Oo wuxuu ugasoo saaray [dabkii] muuqaal dibi oo la moodo inay banaaxiyayso. Markaas bay waxay yiraahdeen, “Kan waa ilaahiin iyo ilaahii Muusaa, waase uu hilmaamay.”
  89. Mawaysan arkayn inuusan usoo celinayn kalmadna [jawaab ahaan], iyo inuusan u hanan karin dhib iyo dheef midna?
  90. Oo wuxuu dhabtii Haaruun ku yiri intayan falin ka hor, “Qawmkayow! Waxaad tihiin kuwo lagu imtixaanay arrintani, oo xaqiiqdii Rabbigiin waa [Allaah] Raxmaanka [Naxariistaha], ee isoo raaca oo adeeca amarkayga.”
  91. Waxay yiraahdeen, “Ma dayn doonno caabudidda [dibiga] jeer uu noo soo noqdo Muusaa.”
  92. [Muusaa] wuxuu yiri, “Haaruunow! Maxaa ku joojiyay markii aad aragtay inay lumeen.”
  93. “Inaadan igu raacin [sidii aan ku amray], ma waxaad caasiday amarkaygii?”
  94. Haaruun wuxuu yiri, “Ina hooyow! Ha iga qaban garkayga iyo madaxayga midna. Anigu waxaan ka baqay inaad tiraahdo, “Waxaad keentay kala qaybsanaan carruurtii Israa’iil dhexdooda, oo ma aadan xurmayn hadalkaygii.”
  95. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Oo muxuu yahay xaalkaagu adigu Saamiriyow?”
  96. Wuxuu [Saamiri] yiri, “Waxaan arkay wax aysan arag, markaas baan waxaan kasoo qaatay sacab muggi [oo ciid ah] raadkii rasuulka [faraskii Jibriil] oo ku tuuray [dabkii lagu riday waxyaalihii ay isku qurxin jireen reer Fircoon ama ku tuuray dibiga]. Sidaas bay ii qurxisay naftaydu.”
  97. [Muusaa] wuxuu yiri, “Tag oo naga dheerow! Xaqiiqdii [ciqaabtaada] noloshan waa inaad tiraahdo “Ma jirto taabasho” [yacni waxaad noolaan doontaa kaligaa iyadoo lagaa dheereeyay dadka], oo waxaad xaqiiqdii leedahay yabooh [cadaab] aan lagaa dib dhigi doonin, oo fiiri ilaahaagii aad ahayd mid dul fadhiya adigoo caabudaya oo daacad u ah, hubaashii waa gubi doonnaa oo markaas ku firdhin doonnaa yaryaroodka kasoo hara badda gudaheeda firdhin.”
  98. Sideedaba Ilaahiinnu waa oo kaliya Allaah, Waaxidka, ma jiro ilaah xaq ah aan Isaga ahayn, wuxuuna ku koobay wax walba cilmi.
  99. Sidaas baan kaaga qisoonaynaa [Muxammadow] warar kamid ah wixii horay u dhacay, oo waxaannu kaa siinnay xaggayaga waano [Qur’aankan].
  100. Kii ka jeesada [aan rumayn Qur’aankani oo aan ku camal falin amarrada kusoo arooray] wuxuu xambaari doonaa culaab culus Maalinta Qiyaame.
  101. Iyagoo ku waaraya [cadaabka]. Wax xun oo baas buuna dhabtii u ahaan doonaa Maalinta Qiyaamaha culaabkaa.
  102. Maalinta la afuufi doono Suurka [afuufidda labaad], Maalintaas waxaan isu soo kulmin doonnaa danbiilayaasha iyagoo indho cawlan.
  103. Waxay isku qarsan hadal dhexdooda [iyagoo leh], “Ma aydaan joogin [adduunyada] waxaan ahayn oo kaliya toban [maalmood]!”
  104. Annaga baa ogsoon waxa ay leeyihiin, marka uu leeyahay kooda ugu jid leh, “Ma aydaan joogin [adduunka] waxaan ahayn maalin.”
  105. Oo waxay wax kaa waydiinayaan buuraha, dheh, “Waxaa qarxin doona oo baabbi’in doona Rabbigay baabbi’in isagoo ka dhigaya sida budo ciid ah.”
  106. “Wuxuuna ka yeelayaa meel ban siman oo muuqata ah.”
  107. “Aadan ku arkayn qallooc iyo taag midna.”
  108. Maalintaas dadku waxay raacayaan dhawaaqaha leexleexasho la’aan, oo waxay u khushuuci doonaan codadka oo dhan Raxmaanka [Allaah], mana maqlaysid waxaan ahayn shanqarta yar ee socodkooda.
  109. Maalintaas wax ma tari doonto cid shafeecadi, mid maahee uu Raxmaanku [Allaah] u idmo oo uu ka raalli yahay hadalkiisa.
  110. Wuxuu [Allaah] ogsoon yahay waxa hortooda ah [ku dhaca uumankiisa adduunkan], iyo waxa gadhaashooda ah [ku dhici doona Aakhirada], mana ku koobi karaan Allaah cilmi.
  111. Oo waxay ku khushuuci doonaan wajiyada [oo dhan] Allaah [horti], Noolaha daryeela danaha waxa uunka jira oo dhan, oo waxaa dhabtii hoogay kii xambaarsaday dulmi.
  112. Kiise fala camallo wanaagsan oo suubban isagoo mu’min ah, ma ka cabsan doono dulmi iyo nuqsaan midna.
  113. Sidaas baan kuugu soo dajinnay isagoo Qur’aan Carabi ah, oo ugu celcelinnay si cad digniinaha, bal inay ka dhawrsadaan xumaha, ama ka kororsadaan waano [iyo sharaf].
  114. Ee waxaa sarreeya oo kor ah Allaah, Boqorka Xaqa ah, ee haku dagdagin [Muxammadow] Qur’aanka aqrintiisa kahor inta aan laguu dhammayn waxyigiisa, oo dheh, “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”
  115. Oo waxaan dhabtii la galnay ballan Aadam mar hore, waase uu halmaamay, oo kama aannu helin go’aan adag.
  116. [Oo xus] markii aan ku niri malaa’igta, “U sujuuda Aadam,” oo ay u sujuudeen [dhammaan] Ibliis maahee oo diiday.
  117. Waxaannu niri, “Aadamow! Xaqiiqdii kani waa kuu cadaw adiga iyo xaaskaagaba, ee yuusan idin ka saarin Jannada, si aydaan u dhibaatoon.”
  118. “Waxaa xaqiiqdii kuu sugnaaday inaadan ku gaajoon doonin dhexdeeda kuna arradi doonin.”
  119. “Oo aadan ka sheeegan doonin dhexdeeda harraad iyo cirrid qorrax midna.”
  120. Waxaase waaswaasiyay Shaydaan, isagoo ku leh, “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan dhammaanayn?”
  121. Markaas bay wax ka cuneen geedkii, oo ay u muuqatay cawradoodii, waxayna billaabeen inay korkooda ku nabnabaan caleentii Jannada si ay isugu asturaan. Sidaas buu Aadam ugu caasiyay Rabbigi, oo uu ulumay.
  122. Waxaase doortay Rabbigiis oo ka tawbad aqbalay oo hanuuniyay.
  123. Wuxuu [Allaah] yiri, “Ka daga [Jannadan] dhammaantiin, qaarkiinba qaar buu cadaw u yahaye. Haddii uu idiin ka yimaado xaggayga hanuun, kii raaca hanuunkayga ma dhumi doono, umana dhibaatoon doono.”
  124. “Kiise ka jeesada waanadayda [oo aan rumayn Qur’aankani, kuna camal falin amarradiisa] waxaa xaqiiqdii u sugnaaday nolol adag oo ciriiri ah, oo waxaa la shir keeni doonaa Maalinta Qiyaamaha isagoo indha la’.”
  125. Wuxuu oran doonaa, “Rabbiyow! Maxaad ii soo shir keentay anigoo indha la’ anigoo wax arki jiray [hadda ka hor]?”
  126. [Allaah] wuxuu oran doonaa, “Sidaas oo kale waxaa kuu yimid aayadahayagii, waadse iska hilmaantay, sidaas darteed Maanta waxaa lagaaga tagi doonaa oo lagugu hilmaami doonaa [Naarta dabka aan damayn ah, kaana fog Naxariista Allaah].”
  127. Oo sidaas oo kale baan u jaazaynaa kii isagu xadgudba, oo aan rumayn aayadaha Rabbigi, cadaabka Aakhiro baana sii daran oo daa’imsan.
  128. Mawuusan u caddayn iyaga [gaalada] inta aan halaagnay iyaga hortood oo qaaruumo ah, oo ay ku socdaan guryahoodii? Waxaa xaqiiqdii taas ugu sugan tusaalooyin qawmkii garasho leh.
  129. Oo haddii aysan jirteen kalmad horay dhacday Rabbigaa [in kala saarkooda, jaazayntooda loo dib dhigo madal maalin la yaqaan iyo ajal magacaabani, waa ugu waajibi lahayd [ciqaabtooda adduunkan].
  130. Ee u sabar [Muxammadow] waxa ay leeyihiin, kuna tasbiixso ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor dhiciddeeda, oo [tuko] qaar kamid ah saacadaha habeenka iyo dacallada maalinta si aad raali ugu noqotid ajarka uu Allaah ku siin doono.
  131. Oo ha u taagin indhahaaga waxa aan ugu raaxaynay qolooyin kala duwan oo kamid ah [mushrikiinta, Nasaarada, Yuhuudda iyo wixi lamida] oo quruxda nolosha adduunkan ah si aan ugu imtixaanno, rizqiga Rabbigaa [abaalka wanaagsan ee Aakhiro] baase khayr badan oo daa’imsan.
  132. Oo amar ahalkaaga salaadda oo ku sabar gudashada [salaadaha], kuma waydiisanayno rizqi, Annaga baa ku irzaaqaynna, oo ciribta wanaagsan [Jannada] waxaa leh kuwa dhawrsada.
  133. Waxay yiraahdaan, “Muxuu inoogu keeni waayay calaamad xagga Rabbigi ah?” Ma waysan u imaan caddayntii wixii [ku qornaa] waraaqihii hore [Kutubtii hore, waa Tawraadda, Injiilka iyo wixi lamida ee la xiriiray imaanshaha Nabi Muxammad]?
  134. Oo haddii aan ku halaagi lahayn cadaab isaga ka hor [rasuulka Muxammad iyo Qur’aanka], waxay hubaashii oran lahaayeen, “Rabbiyow! Maxaad noogu soo diri wayday rasuul si aan u raacno aayadahaaga, kahor inta aannaan ahaan kuwa dulloobay oo dufoobay?”
  135. Dheh [Muxamadow], “Mid walbaa [mu’min iyo gaalba] wax bay sugayaan ee sug adiguna sidoo kale, waadna ogaan doontaan waa kuwama kuwa ku taagan jidka toosan ee iyagu hanuunsan.”

Suuradda 21aad: Al-Anbiyaa [Anbiyada]

Ku Billaabid Magaca AJlaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

  1. Waxaa u soo dhawaaday dadka xisaabintoodii [Qiyaamaha] halka ay doohnaan lasii jeedaan.
  2. Uma yimaado waano [suurad kamid ah Qur’aanka] oo xagga Rabbigood ah waxyi soo kororay ahaan, bal waxay dhagaystaan iyagoo ku sugan cayaar.
  3. Oo qalbiyadoodu mashquulsan yihiin, waxayna qarsadeen faqooda iyo wada tashigooda gaarka ah kuwii falay dulmiga [shirkiga iyo macaasida iyagoo leh] “Kani [Muxammad] ma waxaan ahayn baa qof idin lamid ah? Ee ma waxaad u imanaysaan [oo raacaysaan] sixir idinkoo arkaya?”
  4. Wuxuu [Muxammad] yiri, “Rabbigay baa ogsoon qawl [kasta] [oo lagaga hadlo] cirarka dhexdooda iyo dhulkaba, oo waa maqal badanaha, cilmiga badan.”
  5. Mayee, waxay yiraahdeen, “Waxyigan Qur’aanka ahi ee loo waxyooday [Muxammad] waa qarowyo isku qasan! Mayee isaga baa been abuurtay! Mayee, waa gabyaa, ee hanoo la yimaado aayad [calaamo mucjizo] lamid ah mucjizooyinkii lalasoo diray [anbiyadii] hore.”
  6. Oo ma ay rumayn hortood magaaIo aan halaag [la doonnay, inkastoo aan usoo dirnay calaamooyin iyo mucjizooyin] ee ma iyaga baa rumaynaya?
  7. Oo ma aannu soo dirin hortaa adiga [Muxammadow] waxaan ahayn rag aan u waxyoonnay, ee bal waydiiya dadkii la siiyay waanada [kutubta, Tawraadda, Injiilka, yacni Yuhuudda, Nasaarada iyo wixi lamida] haddi aydaan ogayn.
  8. Oo uma aan yeelin iyaga [rusullada] jirar aan cunin cuntada, oo ma ahayn kuwo waara oo aan dhimanayn.
  9. Waxaana u fulinnay ballantii oo badbaadinnay [rusushii] iyo ciddii aan doonnaba [kuwii rumeeyay oo raacay xaqa] oo waxaan hallignay xad gudbayaashii [la yimid shirkiga, macaasida iyo wixi lamida].
  10. Waxaan dhabtii idiin soo dajinnay [dadow] Kitaab [Qur’aan] ay ku jirto waanadiinna [iyo sharaftiinna] ee ma waydaan garasho lahayn?
  11. Oo badanaa inta aan halaagnay magaalo ee ahaa xumaan falayaal, oo aan abuurnay gadaashood qawm kale.
  12. Markii ay dareemeen [oo arkeen] baaskayaga [cadaabtayada oo soo socota] bay markaas [isku dayeen inay] ka cararaan.
  13. Ha cararina, ee u noqda wixii la idiin ku raaxeeyay iyo guryihiinna si wax la idiin waydiiyo.
  14. Waxay ku calaacaleen, “[Alla] hoognayeey! Waxaynu ahayn daalimiin.
  15. Calaacalkoodaasina ma joogsan, mana ay dayn ilaa aan ka dhignay sida beer la goostay oo baabba’day [baqti].
  16. Oo uma aan abuurin cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya dheel.
  17. Haddii aan rabno inaan samaysanno madaddaallo iyo waxaan waqtiga isku dhaafinno [yacni xaas ama ilmo iyo wixi lamida] waxaan hubaashi ka samaysan karnay agtayda, haddii aan falayno.
  18. Mayee waxaan ku gannaa [yacni soo dajinnaa] xaqa baadilka, markaas buu baabbi’iyaa [tirtiraa] markaas buu durba bidaa baadilku oo tagaa, hoog baadna leedihiin beentaasi darteed aad nagu sheegtaan [waa qawlka gaalada inuu  Allaah leeyahay xaas iyo ilmo].
  19. Oo [Allaah] baa leh wax kasta oo ku sugan cirarka iyo dhulka, oo kuwa agtiisa jooga ee u dhaw [waa malaa’igta ee] iskama wayneeyaan cibaadadiisa, kamana daalaan.
  20. Waxay [malaa’igta] ku tasbiixsadaan ammaanahiisa habeen iyo maalinba, oo kama noogaan.
  21. Mise waxay yeesheen [si ay u caabudaan] ilaahyo dhulka xaggiisa oo wax soo nooleeya?
  22. Haddii ay ahaan lahaayeen dhexdooda [cirarka iyo dhulka] ilaahyo aan ahayn Allaah, xaqiiqdii waa kharribmi lahaayeen [cirarka iyo dhulka]. Waa ka nazahan yahay Allaah, Rabbiga Carshiga oo ka sarreeyaa waxa ay ku tilmaamayaan.
  23. Lama waydiiyo waxa uu falo [ama amro, muxuu u falay ama u amray waxaasi], halka iyaga [jinka iyo insiga] la waydiin doono [wax kasta ay falaan ama ku hadlaan].
  24. Mise waxay yeesheen Allaah sokadi [si ay u caabudaan] ilaahyo [kale]? Dheh, “Keena xujadiinna. Kani [Qur’aanka] waa warka waxa ila jooga iyo warka wixii iga horreeyay.” Balse badankoodu ma oga xaqa, oo way kasii jeesadaan.
  25. Oo masoo dirin rasuulna hortaa [Muxammadow] oo aanaan u waxyoon [Annagoo leh], “Ma jiro ilaah xaq ah aan ahayn Aniga [Allaah], ee i caabuda [Aniga oo kaliya].”
  26. Oo waxay yiraahdeen, “Wuxuu Raxmaanku [Allaah] yeeshay ilmo [carruur].” Ka nazahan! Waase addoomo [malaa’igta, Ciisaa ina Maryam, Cuzayr iyo wixi lamida] la sharfay.
  27. Kagama hormaraan [Allaah] hadal oo iyagu amarkiisa bay ku shaqeeyaan.
  28. Wuxuu og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, oo uma shafeeci karaan mid maahee uu [Allaah] raalli ka yahay, oo waxay u hor istaagaan si ka haybsi leh cabsi ay ka qabaan darteed.
  29. Oo kii kamid ah oo yiraahda, “Waxaan anigu ahay ilaah [Allaah] ka sokow,” kaas oo kale waa inaan ku jaazayno Naar, sidaas oo kale baan ku jaazaynaa daalimiinta.
  30. Mawaysan ogaan kuwa gaalobay inay cirarka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oo aan kala bixinnay, oo aan ka abuurnay biyo wax walba oo noole ah, ee mawaysan rumaynayn?
  31. Waxaannuna u yeellay dhulka buuro adag oo sugan si uusan ula dhaqaaqin, oo waxaannu u yeellay dhexdiisa karimo waddooyin waawayn ah si ay ugu toosaan.
  32. Oo waxaannu ka yeelnay samada saqaf xafidan, oo iyagu calaamooyinkeeda [waa qorraxda, dayaxa, dabaylaha, daruuuraha iyo wixi lamida] waa ka jeesadaan.
  33. Oo waa [Allaah] kan abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, mid walbaa garaangar ku dabaalanayo.
  34. Oo ma aannu yeelin qofna hortaa adiga [Muxammadow] waarid ee haddii aad dhimato ma iyaga baa waaraya waligood?
  35. Naf walbaa waa tii dhadhamisa mawtka, oo waxaannu idin ku imtixaani doonnaa shar iyo khayrba, oo xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa.
  36. Oo marka ay ku arkaan kuwa gaalooba waxay kaa dhigtaan [Muxammadow] jees-jees [iyagoo leh], “Ma kaa baa midka uga hadla [sida xun] ilaahyadiinna?” Halka marka la xuso Raxmaanka [Allaah] ay ku gaaloobaan.
  37. Waxaa lagu abuuray Aadamaha dagdag, waxaan idin tusi doonaa aayadahayga ee ha dagdagsinnana.
  38. Oo waxay oran doonaan, “Waa goorma yaboohakan haddii aad run sheegaysaan?”
  39. Haddii ay og yihiin kuwa gaaloobay marka aan laga celinayn wajiyadooda Naarta iyo dhabarradoodaba oo aan loo gargaarayn [ma dagdagsadeen cadaabka].
  40. Mayee waxay [Naarta ama Maalinta Qiyaame] ugu imaan doontaa kedo, waana jahawareerin doontaa, oo ma kari doonaan celinteeda, lamana siin doono fursad.
  41. Oo waxaa dhabtii lagu jees-jeesay rusul [badan] hortaa [Muxammadow], waxaase ku soo dagay oo koobay kuwii ka jeesjeesay waxay [yacni cadaabka] ay ku jees-jeesi jireen.
  42. Dheh, “Yaa idin ka ilaaliya [dhibaatada] habeenkii ama maalintii [aan ahayn] Naxariistaha Allaah], mayee iyagu xusidda Rabbigood bay kasii jeesadaan.
  43. Mise waxay leeyihiin ilaahyo ka dhicin kara ciqaabtayada? Ma laha [xitaa] awood ay ugu gargaaraan nafahooda, mana aha kuwa nalaga magan galiyo [oo laga celiyo cadaabtayada].
  44. Mayee, waxaan u raaxaynay kuwani [gaaladaa] iyo aabbayaashoodba ilaa ay waayuhu ku dheeraadeen [markaasay wax is bideen]. Ma waysan arkayn inaan ka soo naaqusinno dhulka [gacantooda ku jira] dacalladiisa fog? Ee ma iyaga baa ah kuwa adkaan doona?
  45. Dheh [Muxammadow], “Waxaan idiin ku digayaa oo kaliya waxyiga [ka yimid xagga Allaah], kanse dhagaha la’ [ee ku raaca madaxda, odayaashooda iyo qayrkoodba indha la’aanta] ma maqli doonaan dhawaaqa [xitaa] haddii loo digo.”
  46. Oo haddii ay taabato wax yar [hongorre, neef kulul, holon] oo cadaabta Rabbigaa kamid ah, waxay hubaashii oran doonaan, “Hoognayeey! Waxaan innagu nahay daalimiin.”
  47. Oo waxaannu dhigi doonnaa miizaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, oo qofna lagama dulmiyi doono waxba, oo haddii ay jirto wax le’eg iniinta khardalka [yacni ata sisinta ama wax ka yar ama wax ka wayn] waa keeni doonnaa, oo Annaga baa ku filan xisaabiyayaal ahaan.
  48. Oo waxaan dhabtii siinaay Muusaa iyo Haaruun kala bixiye [samaanta iyo xumaanta] iyo Nuur wax ifiya [waa Tawraadda] iyo waanada kuwa ka dhawrsada [shirkiga iyo macaasida].
  49. Kuwa ka baqa Rabbigood iyagoo aan arag, oo iyagu ka cabsada Saacadda [Qiyaame].
  50. Kanuna [Qur’aanku] waa waano barakaysan aan soo dajinnay, ee ma waxaad [ku dhiirataan] inaad diiddaan?
  51. Oo waxaan dhabtii siinnay goor hore Ibraahiim [saamigiisa] hanuunka, oo waxaannu nahay kuwo ka war qaba oo ogsoon.
  52. [Xus] marka uu ku lahaa aabbihi iyo qawmkiisa, “Waa maxay sawirradan aad idinku dul fadhidaan [oo caabudaysaan]?”
  53. Waxay yiraahdeen, “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.”
  54. Wuxuu yiri, “Waxaad dhabtii idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin baadi iska cad?”
  55. Waxay yiraahdeen, “Ma waxaad noola timid xaq, mise waad iska cayaaraysaa?”
  56. Wuxuu yiri, “Mayee, Rabbigiin waa Rabbiga cirarka iyo dhulka oo ah kan abuuray, oo aniga baa kamid ah kuwa taasi u markhaatiyada ah.”
  57. “Oo Allaah baan ku dhaartaye, Waxaan u dagi doonaa qorshe [tab si aan u baabbi’iyo] sanammadiinna marka aad tagtaan oo dhabarka jeedisaan?”
  58. Markaas buu ka dhigay digada [dhammaantood] koodii u waynaa maahee, bal inay xaggiisa u noqdaan.
  59. Waxay yiraahdeen, “Yaa ku falay sidan ilaahyadayadii, kaasi waa daalime?”
  60. Waxay yiraahdeen, “Waxaan maqallay wiil hadal haya oo la yiraahdo Ibraahiim.”
  61. Waxay yiraahdeen, “Haddaba hor keena indhaha dadka bal inay ku markhaati furaan?”
  62. Waxay yiraahdeen, “Ma adigaa kan sidaan ku falay ilaahyadayada, Ibraahiimow?”
  63. [Ibraahiim] wuxuu yiri, “Mayee waxaa falay kooda u wayn [sanamyada] ee kan ah, ee waydiiya haddii ay hadli karaan!”
  64. Markaas bay u noqdeen nafahoodii oo yiraahdeen, “Xaqiiqdii, idinka baa daalimiin ah.”
  65. Dabadeed waa la madax rogay oo dib ugu noqdeen [qabitaankoodii hore oo yiraahdeen], “Dhabtii waad ogsoon tahay adigu inayan kuwakani [sanamyadani] hadlin.”
  66. [Ibraahiim] wuxuu yiri, “Ee ma waxaad caabudaysaan Allaah sokadi waxaan wax idin tari karin waxna idin yeeli karin?”
  67. “Uf baad leedihiin idinka iyo waxa aad caabudaysaanba Allaah sokadi, ee ma waydaan garasho lahayn?”
  68. Waxay yiraahdeen, “Guba oo u gargaara ilaahyadiinna, haddii aad falaysaan.”
  69. Waxaannu Annagu [Allaah] niri, “Dabkow u noqo qabow iyo nabad Ibrahiim!”
  70. Oo waxay la dooneen shirqool, ha yeeshee waxaan ka yeelnay iyaga kuwa khasaaray.
  71. Oo Waxaan u badbaadinnay isaga [Ibraahiim] iyo Luudba arladii aan u barakaynnay uunka [dhulka Shaam: Falastiin, Urdun, Suuriya, Lubnaan iyo dhulalka hareerahooda ah].
  72. Oo Waxaannu ku galladaysannay Isxaaq iyo Yacquub oo dheeri ah, oo mid walbaa waxaan ka yeelnay kuwo suubban.
  73. Oo Waxaannu ka dhignay hoggaamiyayaal ku hanuuniya [dadka] amarkayaga, oo Waxaannu u waxyoonnay falidda khayraadka, u oogidda salaadda si wanaagsan, iyo bixinta zakada, oo waxay ahaayeen kuwo Annaga [Allaah kaliya] caabuda.
  74. Oo [xus] Luud, Waxaannu siinnay xukun [nabinnimo, fahmo iyo garsoor wanaagsan] iyo cilmi, oo Waxaannu ka badbaadinnay magaaladii [qawmkii] fali jiray xumaha, waxay xaqiiqdii ahaayeen qawm xun oo faasiqiin ah.
  75. Oo Waxaannu dhex galinnay naxariistayada, wuxuu xaqiiqdii kamid ahaa suubbanayaasha.
  76. Oo [xus] Nuux, markii uu noo dhawaaqday goor hore, oo Waan ka ajiibnay baryadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbadii waynayd [hafintii qawmkiisii la hafiyay].
  77. Oo Waan uga gargaarnay qawmkii beeniyay aayadahayaga, xaqiiqdii waxay ahaayeen qawm xun, waana hafinnay dhammaantood.
  78. Oo [xus] Daawuud iyo Sulaymaan, markii ay ka arrimiyeen arrintii beerta, markii uu daaqay ariga qawm qawmanka kamid ah [goor habeen ah], oo Waxaannu ka ahayn xukunkoodii shaahid.
  79. Oo Waxaan ka yeelnay Sulaymaan inuu fahmaa [xukunka wanaagsan ee arrinkii loo soo bandhigay], mid walbana oo kamid ah waxaan siinnay xukun [nabinnimo, fahmo iyo garsoor wanaagsan] iyo cilmi, oo Waxaan u sakhirnay inay kula tasbiixsadaan ammaanahayga buuraha iyo shimbirahaba, oo waxay ahaayeen Annaga [Allaah] kuwii falay [waxyaalahaasi oo dhan].
  80. Oo Waxaannu barnay samaynta jaakado bir iyo macdan ah [oo dagaallada loogu tala galay] si ay idiin ka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna, ee ma tihiin kuwa shukrinaya?
  81. Oo Sulaymaan [waxaan u sakhirnay] dabaysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordaysa si xawli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay, oo Waxaannu nahay kuwo wax walba ogsoon.
  82. Oo waxaa kamid ahaa Shaydaammada [jinka ah] kuwo u quusa [badda], oo u fala camallo kale oo taa barbarkeed ah, oo waxay ahaayeen Annaga [Allaah] kuwii dhawrayay.
  83. Oo [xus] Ayyuub, marka uu u dhawaaqday Rabbigi [isagoo leh], “Waxaa aniga i taabtay dhib, adiguna waxaad tahay kan ugu naxariista badan inta naxariisata.”
  84. Waana ajiibnay, oo Waxaan ka faydnay wixii hayay oo dhib ah, waxaana u soo celinnay oo siinnay ehelkiisii [uu waayay] iyo in le’eg oo wehlisa, naxariis xaggayaga ah iyo waano dhammaan kuwa na caabuda.
  85. Oo [xus] Ismaaciil iyo Idriis iyo Dul- Kifli, kulligoodba waxay kamid ahaayeen kuwa sabra.
  86. Oo Waxaannu dhex galinnay naxariistayada, waxay kamid yihiin kuwa suubban.
  87. Oo [xus] Dan-Nuun [Yuunus] marka uu tagay isagoo caraysan, oo mooday inaan ciqaabi doonin [waa ishaaro musiibadihii ku dhacay], wuxuuse ka dhawaaqay mugdiyada dhexdooda [isagoo leh], “Ma jiro ilaah xaq ah aan adiga ahayn, adigaa nazahan, anigu waa gafay.”
  88. Waana ajiibnay dhawaaqiisii, oo ka badbaadinnay murugadii, sidaas oo kale baan u badbaadinnaa mu’miniinta.
  89. Oo [xus] Zakariya, markii uu u dhawaaqday Rabbigi [isagoo leh], “Rabbiyow ha iiga tagin kali [carruur la’aan], oo adiga baa u khayr badan inta wax dhaxasha oo u hara.”
  90. Waana ajiibnay baryadiisii, oo waxaan siinnay Yaxyaa, waxaana u hagaajinnay xaaskiisii. Xaqiiqdii waxay ahaayeen kuwo u dagdaga khayrka oo na barya si rajo iyo cabsiba leh, oo waxay ahaayeen kuwo noo khushuuca [oo qalbi jilicsan].
  91. Oo [xus] tii xafidday xubinta tarankeeda [ugubnimadeeda, waa Maryam al-Cadraa], waxaan ku afuufnay [jeebka canbuurkeeda ama maradeeda] Annagoo u xil saarnay [afuufidda] Ruuxayaga [Jibriil, iyadoo sidaasi uurkii Ciisaa ku qaadday], oo waxaan uga yeelnay iyada iyo wiilkeediiba [Ciisaa] calaamo uumanka [dadka iyo jinka].
  92. Xaqiidii, tani waa diintiinnii [Islaamka] waa diin mid ah, oo Anigu [Allaah] waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda [Aniga oo kaliya].
  93. Waxayse [mushrikiinta, Yuhuudda, Nasaarada iyo wixi lamida] u kala goosgoosteen oo u kala qayb qaybsadeen diintoodii [dariiqooyin iyo kooxo] dhexdooda. [dhamaantoodna] xaggayaga bay u soo noqon doonaan.
  94. Ee kii fala camallo wanaagsan oo suubban isagoo mu’min ah, ma laga lib gaddiyi doono dadaalkiisa, oo waan u qoraynaa.
  95. Oo waa ka xaaraan magaalo kasta [qawm kasta] oo aan halaagnay inay u soo noqoto adduunkan mar kale, [oo ma jirto tawbad uga furan xaggayaga].
  96. Ilaa laga soo furo Ya’juuj iyo Ma’juuj [xannibkooda lagu xannibay] iyaga oo taag walba ugasoo yaaci doona si dagdag ah.
  97. Oo wuxuu kusoo dhawaan doonaa yabooha xaqa ah [Maalinta Qiyaame in la fuliyo]. Mise [marka dadka lagasoo bixiyo qubuurahooda] waxaad arki doontaa indhaha gaalada oo la taagan amakaag iyo argaxax. [Waxay oran doonaan,] “Hoognayeey! Waxaan dhabtii ahayn kuwa kaga sugan dhoohnaan waxakani. Mayee, waxaan ahayn daalimiin.”
  98. Xaqiiqdii! Idinka [gaalooy] iyo waxa aad caabudaysaanba Allaah sokadi, waxaad ahaan doontaan xaabada [shidaalka] Naarta idinkoo galaya.
  99. Haddii ay kuwakani yihiin ilaahyo ma ay galeen halkaa [Naarta], oo kulligood waa ay ku waari doonaan.
  100. Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan.
  101. Xaqiiqdii, kuwa ay hor u martay oo looga qoray xaggayaga wanaagga, kuwaasu [sida Ciisaa ina Maryam, Cuzayr iyo wixi lamida] xaggeeda [Naarta] waa laga fogayn doonaa.
  102. Ma maqli doonaan shanqarteeda, iyagoo wixii ay rabto naftoodu ku waari doona.
  103. Ma murugo galiso argagaxa wayn [Maalinta Qiyaamaha], oo waxay ku qaabili doonaan malaa’igtu [salaan iyagoo ku leh], “Tani waa maalintiinnii la idin yaboohay.”
  104. Oo [xus] maalinta aan u duubayno samada sida loo duubo waraaqaha kutubta, sida aan u billawnay abuuriddii hore, baan kusoo celin doonnaa, [waa] ballan aan qaadnay oo na saaran, waana fali doonnaa.
  105. Oo waxaan dhabtii ku qornay Zabuurka [yacni dhammaan kutubta barakaysan ee la soo dajiyay: Tawraadda, Injiilka, Qur’aanka] kaddib [markii aan horay ugu qornay] Lawx al-Maxfuud, in arlada [Jannada] ay dhaxli doonaan addoomahayga wanaagsan.
  106. Xaqiiqdii, kan gudihiisa [Qur’aanka] waxaa ugu sugan gaarsiin cad qawmkii caabudaya Allaah [kaliya].
  107. Oo kuuma aannu soo dirin [Muxammadow] waxaan ahayn naxariis ahaan u ahaatay uumanka.
  108. Dheh [Maxammadow], “Waxaa la ii waxyooday inuu Ilaahiinnu yahay Ilaah kaliya [Allaah], ee ma u hoggaansameysaan?”
  109. Haddiise ay [mushrikiinta, Yahuudda, Nasaarada iyo wixi lamida] ka jeesadaan [Islaamka] ku dheh [Muxammadow], “Waxaan idin siin ogaysiis [dagaal] cad ah, oo aan u simannahay innagoo dhan, oo ma ogi inay dhawdahay ama fog tahay waxa [cadaabka ama Maalinta Qiyaame] la idiin yaboohay.”
  110. [Dheh Muxammadow] “Wuxuu [Allaah] og yahay hadalka loogu hadlo kor, oo og yahay waxa aad qarinaysaanba.”
  111. “Mana ogi, waa intaaso ay idiin tahay fitno [imtixaan dib u dhigidda ciqaabka] iyo raaxo ilaa muddo ah.”
  112. Wuxuu [Muxammad] yiri, “Rabbiyow! Ku kala xukun dhexdayada sida xaqa ah, oo Rabbigayo waa Raxmaanka ee laga kaalmaysto waxa aad sheegaysaan [waa inuu Allaah leeyahay carruur, iyo in Muxammad yahay saaxir, nin waalan, iyo in Qur’aanka yahay gabay, sheeko baraley, sixir iyo wixi lamida].

Suuradda 22aad: Al-Xaj [Xajka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Dadow ka cabsada Rabbigiin! Xaqiiqdii, gariirka Saacadda [Qiyaamaha] waa wax wayn oo daran.
  2. Maalinta aad arkaysaan, waxay hilmaamaysaa hooyo kasta oo wax nuujisay wixii ay nuujisay [ilmaheedii] oo dhigaysaa mid kasta oo wax sidda waxa ay siddo [cabsi daran darteed], oo waxaad arkaysaa dadka oo sida wax sarkhaansan oo kale ah, sidaa oy tahay ma aha kuwo sarkhaansan, laakiinse cadaabka Allaah baa daran.
  3. Oo waxaa kamid ah dadka mid ka dooda arrimaha Allaah cilmi la’aan, oo raaca Shaydaan kastoo khayr daran.
  4. Waxaa loo qoray in kii kastoo raaca [Shaydaan] inuu dhumiyo, oo ku hanuunsho cadaabka hurka badan.
  5. Dadow! Haddii aad shaki ka qabtaan soo bixinta, waxaan Annagu idin ka abuurnay [yacni Aadam] ciid oo [waxaan ka abuurnaa firkiisa] nutfa [tifiq biyo shahweed, oo noqoto] xinjir [goosan dhiig adag oo fariistay ah] misna rudmo yar oo hilib ah, qaar la abuuro qaarna aan la abuurin [qaadis xumo darteed], si aan idiin ku caddayno [macnaha waa si aan idiin tusno awooddayada inaan fallo wixii aan doonno]. Waxaannuna ku sugnaa riximyada waxaan doonno ilaa muddo magacaaban. Markaas baan idin soo bixinnaa idinkoo ilmo yar ah, markaas baan [idin barbaarinnaa] si aad u gaartaan da’diinna tabargalka iyo xoogga dhan, oo waxaa idin kamid ah mid la oofsado [isagoo yar], oo waxaa idin kamid ah mid loo celiyo cimriga u liita [gabow], si uusan waxba u ogaan ogaalkii kaddib, oo waxaad arkaysaa dhulka oo dhintay [abaaroobay] markiise aan kusoo dajinno biyo [roob] korkeeda, la dhaqdhaqaaqda [nolol] oo fuurta oo soo saarto nooc walba oo bilic la jeclaado leh [oo miro soo baxa ah iyo zarac iyo doog].
  6. Sidaasu waa inuu Allaah yahay Xaq, oo uu nooleeyo maytida, iyo inuu wax walba karo.
  7. Iyo in hubaashii Saacadda [Qiyaame] imanayso, oo shaki ku jirin, iyo in Allaah soo bixinayo waxa ku jira qubuuraha.
  8. Oo waxaa kamid ah dadka mid ka dooda arrimaha Allaah cilmi ama hanuun ama kitaab wax ifiya [oo Allaah ka yimid] la’aan.
  9. Oo leexiya qoortiisa [kibir darti] inuu ka dhumiyo [dadka] Jidka Allaah, kaasi waxaa u sugnaaday noloshan adduunka dulli, oo waxaan dhadhansiinaynaa Maalinta Qiyaame cadaabta [Naarta] wax gubta.
  10. Waxaasu waa wixii ay horay u gaysteen gacmahaagu, oo Allaah ma aha mid dulmiya addoomahiisa.
  11. Oo waxaa kamid ah dadka mid u caabuda Allaah si xag jir ah [yacni qaba shaki iyo walaac]: haddii uu khayr helo, ku xasila khayrka [iyo diinta] haddiise la marsiiyo imtixaan, u gaddooma wajigiisa [gaalooba kaddib Islaamnimo], wuxuu khasaaray adduun iyo Aakhiraba, taas baana ah khasaarada iska cad.
  12. Wuxuu baryayaa Allaah sokadi waxaan wax yeelayn oo aan wax tarayn, taasi waa baadiyoobidda aad u fog.
  13. Wuxuu u yeeranayaa oo baryayaa mid dhibtiisu uga dhawdahay dheeftiisa, isaga baa uxun wax laga dhigto gargaare, oo uxun wax laga dhigto gacal.
  14. Xaqiiqdii, Allaah wuxuu galin doonaa kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan beero ay hoostoodu wabiyo qulqulayaan. Xaqiiqdii Allaah wuxuu falaa wixii uu doono.
  15. Kii moodaya inuusan Allaah u gargaari doonin [rasuulkiisa Muxammad] adduun iyo Aakhiraba, haku fidiyo xarig xagga saqafka oo ha isku gooyo [ceejiyo], oo ha fiiriyo bal inuu qorshihiisa ka bi’in doono waxaasi ciil ah.
  16. Sidaas baan usoo dajinnay [Qur’aankan] aayado cadcad ahaan, oo Allaah wuxuu hanuuniyaa kii uu doono.
  17. Xaqiiqdii, kuwa [xaqa] rumeeyay, kuwa Yuhuudda ahi, Saabi’iinta, Nasaarada, Majuusiyiinta iyo kuwa fala shirkiga, xaqiiqdii Allaah baa kala saari doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha. Xaqiiqdii Allaah wax walba waa ka markhaati oo arkaa.
  18. Sow ma aad aragto inay Allaah u sujuudaan waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan arlada, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo buuraha, iyo geedaha, iyo xoolaha, iyo in badan [oo dadka] kamid ah, waxaase jira in badan [oo dadka kamid ah] ay cadaabtu u waajibtay, oo kii Allaah dulleeyo, ma laha wax darajayn. Xaqiiqdii Allaah wuxuu falaa wixii uu doono.
  19. Labadaani is-haya [mu’miniinta iyo gaalada] waxay iskala doodaan oo isku hayaan arrinka Rabbigood, marka kuwa gaaloobay waxaa loo goyn doonaa dhar Naar ah, oo waxaa lagu shubi doonaa madaxyadooda korkooda biyo kulul oo sida saliid karaysa ah ama maar la dhalaaliyay.
  20. Oo waxaa lagu dhalaaliyaa waxa ku jira caloolahooda iyo hargahaba.
  21. Oo waxaa u sugnaaday burar bir ah [si loogu ciqaabo].
  22. Mar kasta oo ay doonaan inay kasoo baxaan Naarta xaggeeda murugada iyo dhibka haysta darteed, waa lagu celiyaa dhexdeeda [oo waxaa lagu yiraahdaa], “Dhadhamiya cadaabta gubashada leh.”
  23. Xaqiiqdii Allaah wuxuu galin doonaa kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallada wanaagsan oo suubban, beero ay hoostoodu wabiyo qulqulayaan, waxaa loogu xiri doonaa qurxin darteed jinjimo dahab iyo luul ah, oo dharkoodu [Jannada] gudaheeda waa xariir.
  24. Oo waxaa lagu hanuuniyay [adduunkan] hadalka kiisa wanaagsan [waa tasbiixda ay wardi ahaan afkooda ugu hayaan, aqrinta Qur’aanka, ducooyinka iyo Allaah bariga, iyo hadal fiican oo dadka lagula hadlo, iyo wixi lamida], oo waxaa lagu hanuuniyay jidka [Allaah] ee mudan ammaan idilkeed.
  25. Xaqiiqdii kuwa gaaloobay oo ka hor istaaga [dadka] Jidka Allaah iyo Masjidka Xaramka [ee Makka ku yaal, Kacbada] oo aan ka dhignay [wax u furan] oo ay u siman yihiin dadka oo dhan, kan daggan dhexdeeda iyo kan kasoo booqdayba meel kale, ciddii la doonta falal shar ah dhexdeeda ama ku falaa dulmi [shirki, jid gooyo, dil, xatooyo, iyo wixi lamida] waxaan dhadhansiin doonnaa cadaab xanuun badan.
  26. Oo [xus] markii aan tusnay Ibraahiim meesha Baytka caaggan [Kacbada Makka ku taal, Annagoo leh], “Ha ii shariig yeelin waxba, oo u daahiri Baytkayga kuwa ku dawaafaya, iyo kuwa u istaagaya salaadda, iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”
  27. Oo ogaysii dadka Xajka, waxay kuugu imaan doonaan lug iyo iyagoo fuushan bog-xoodan kasta, waxay ka imaan doonaan tub kasta oo fog [Xajka darti].
  28. Si ay ugu yimaadaan waxyaalo manaafacaad u leh [waa ajarka uu leeyahay Xajka Aakhirada, iyo xoogaa manaafacaad iyo kasab adduun ah oo laga helo ganacsiga lagu dhex sameeyo, iyo wixi lamida], oo ay ugu xusaan Magaca Allaah maalmo cayiman korkooda duunyada nicmoolayda, ee wax ka cuna, oo wax ka siiya faqiirka dhibaateysan.
  29. Markaas ha dhammaystireen waajibyada la caddeeyay ee xajka [manaasik al-Xaj], oo haku dawaafeen Baytka horreeyay [Kacbada].
  30. [Manaasiktaa yacni waajibyadaa la caddeeyay ee Xajka waa waajib uu Allaah ku leeyahay dadka], kii wayneeyana waxyaalaha xurmadda leh ee Allaah, isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis, oo waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo [waxa la idiin] aqriyo [oo lagasoo reebay] ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah [caabudidda] sanamyada, oo ka fogaada hadalka beenta ah.
  31. Idinkoo u toosan Allaah [macnaha waa waxidaya Allaah] oo aan la wadaajinayn cibaadada cidna, kii u shariig-yeelaana Allaah, waa sida mid kasoo dhacay cirka oo shimbiruhuna kala dafayaan, ama ay ku tuurto dabayshu meel fog oo daran.
  32. Waa sidaase, waxa [la idiin ku sheegay aayadihii soo maray] waa waajib dadka laga rabo inay u oogaan oo ula yimaadaan Allaah darti] kii wayneeyana [xurmeeya] calaamooyinka Allaah, waxay iyadu runtii kasoo fushaa oo muujinaysaa taqwada qalbiga.
  33. Waxaa idiin ku jira [xoolaha loo bixiyay sadaqada] manaafacaad tan iyo muddo magacaaban ah, waxaana loo keenaa sadaqo ahaan Baytka horreeyay [xaramka].
  34. Oo ummad walba waxaan u yeellay munaasabad diini ah [ciid], si ay ugu xusaan Magaca Allaah xoolaha nicmooleyda ah ee uu usiiyay inay cunaan, ee Ilaahiinnu waa Ilaah kaliya [Allaah] ee u hoggaansama oo ubishaaree kal samayaasha.
  35. Ee ah kuwa marka la xuso Allaah ay cabsi ka buuxsanto qalbiyadoodu, oo ku sabra wixii ku dhaca [oo musiibado ah] oo u ooga si wanaagsan salaadda, oo waxa [maalka] aan siinnay wax ka bixiya.
  36. Oo ishkinka [xoolaha waawayn: sacaha, dibiyaha, ama geela loogu gawraco hadyi ahaanta Xaramka Makka] waxaan idiin ka dhignay wax kamid ah calaamooyinka Allaah, waxaa idiin ku jira khayr badan, ee ku xusa Magaca Allaah korkooda [marka aad gawracaysaan] iyagoo jilbo xiran, oo markii ay u dhacaan dhinaca [markii la bireeyo kaddib] ka cuna wax, oo wax ka quudiya miskiinka dhawrsoon iyo kan wax waydiista [barya dadka], sidaas baan idiin ku sakhirnay bal inaad shukridaan.
  37. Ma ay gaaraan Allaah hilibkeeda iyo dhiiggeedu, laakiinse waxa gaara waa suubbanaanta iyo toosnaanta xaggiinna ah. Sidaas buu idiin ku sakhiray si aad u waynaysaan Allaah hanuunka uu idin hanuuniyay darteed, oo u bishaaree [Muxammadow] sama falayaasha.
  38. Xaqiiqdii, Allaah waa uu difaacaa addoomihiisa rumeeyay. Xaqiiqdii, Allaah ma jecla mid kasta oo khiyaano badan, abaal dhac badan.
  39. Waxaa loo idmay kuwaa [waa mu’miniinta inay la dagaalaan gaaladaa] la diriraya, in la dulmiyay iyagaa [mu’miniinta] darteed, oo Allaah u gargaarkooda waa uu karaa.
  40. Kuwa looga soo saaray guryahoodii xaq darro, iyo sababta inay yiraahdeen, “Rabbigayo waa Allaah.” Oo haddii ayan jirin ku difaacidda Allaah dadka qaarkoodba qaar, waxaa xaqiiqdii la dumin lahaa sawmacado, kaniisado, macaabid, masaajidyo lagu xuso gudahooda Magaca Allaah wax badan. Xaqiiqdii, Allaah waa u gargaari doonaa kuwa u gargaara [arrinkiisa kor yeelidda Diinta], xaqiiqdii Allaah waa xoog badane, awood badan.
  41. Kuwa haddii aan ku siinno awood arlada, amra iqaamat as-salaat [in la oogo shanta salaadood ee faralka ee jameeco ahaanta loogu waajibiyay inay raggu ugula yimaadaan masaajidda], in la bixiyo Zakada oo amra wanaagga [waa Tawxiidka Islaamka iyo dhammaan waxa ay amarto diinta Islaamka dadku inay falaan] oo reeba munkarka [waa kufriga, shirkiga, xumaanta, iyo dhammaan waxay diinta Islaamku reebtay oo danbiyo ah, macnaha waa waxay ka dhigaan Qur’aanka iyo sunnada dastuurka dalkooda ee xukuma dhinacyada nolosha oo dhan], oo Allaah baa leh oo ka taliya dhammaadka iyo ciribta [dhammaan] arrimaha [uumanka].
  42. Oo haddii ay ku beeniyaan [Muxammadow], sidaas oo kale baa dhabtii loo beeniyay anbiyadii kaa horreyay [oo waxaa laga beeniyay xagga] qawmkii Nuux, Caad iyo Thamuud.
  43. Iyo qawmkii Ibraahiim iyo qawmkii Luud.
  44. Iyo qoladii Madyan, oo waxaa la beeniyay Muusaa, waanse u dib dhigay oo u sugay gaaladii in xoogaa ah, dabadeed waa qabtay, ee sidee bay [mid daran u ahayd] ciqaabtaydii [aan u ciqaabay xumaan faliddoodii darteed]!
  45. Oo badanaa inta magaalo aan rognay markii looga maara waayay shirki iyo macaasi, sidaa darteed iyadu ku sugan burbur [ilaa iyo maanta], [oo badanaa] inta ceel la faaruqiyay iyo daaro waawayn!
  46. Ee mawaysan ku soconin dhulka, si ay ugu ahaato qalbiyo ay wax ku gartaan ama dhego ay wax ku maqlaan? Xaqiiqdii, ma aha indhaha waxa aragga beela, laakiinse waxa aragga beela waa qalbiyada ku jira laabaha.
  47. Oo waxay dalbaan inaad usoo dadajiso cadaabta, oo kama baxo Allaah yaboohiisa, oo xaqiiqdii, maalin Rabbigaa agtiis ah waxay lamid tahay kun sano oo waxa aad tirsataan ah.
  48. Oo badanaa inta magaalo aan siiyay kansho iyadoo la ceegaagan dulmi, kaddib aan ku qabtay [cadaab daran], oo waa xaggayga meel noqodka dambe.
  49. Dheh [Muxammadow], “Dadow! Waxaan oo kaliya anigu idiin ahay dige iska cad.”
  50. “Ee kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, waxay leeyhiin danbi dhaaf iyo rizqi wanaagsan.”
  51. “Kuwase u dheereeya ka hortagga aayadahayaga si ay u galiyaan xannibyo iyo qallooc, kuwaasu waa ehlu Naar.”
  52. Oo ma jiro rasuul ama nabi aan soo dirnay hortaa, oo markii uu wax aqrinayo uusan wax ku tuurin Shaydaanku aqrintiisa, markaas buu Allaah nasakhaa oo tiraa waxa uu Shaydaan ku tuuro, oo wuxuu Allaah sugaa aayadahiisa, oo Allaah waa cilmi badane, xikmad badan.
  53. Waa si uu [Allaah] ugaga dhigo waxa uu soo tuuray Shaydaanku imtixaan iyo fitno kuwa uu ku jira qalbiyadooda cudur [munaafiqnimo iyo gaalnimo] iyo kuwa qalbiyadoodu qallaleenba, oo xaqiiqdii daalimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] waxay ku sugan yihiin khilaaf [baadi] fog.
  54. Waa si ay u ogaadaan kuwa la siiyay cilmiga inuu [Qur’aankani] yahay xaq ka yimid Rabbigaa, oo ay markaas rumeeyaan waxa dhexdiisa ah oo ay u khushuucdo qalbiyadoodu, oo xaqiiqdii, Allaah waa ku hanuuniyaha kuwa rumeeyay jid toosan.
  55. Oo ma dayn doonaan kuwa gaalooba inay shaki ka qabaan [Qur’aankani] jeer ay Saacaddu [Qiyaamadu] ugu timaaddo kedo ama u yimaado cadaab daran Maalin dabadeed ay ahaan doonin wax habeen ah.
  56. Xukunka Maalintaas waxaa iska leh Allaah, wuxuu kala xukumi doona dhexdooda, ee kuwa [xaqa] rumeeyay oo falay camallo wanaagsan waxay gali doonaan beeraha barwaaqada ah [Jannada].
  57. Kuwase gaaloobay oo beeniyay aayadahayaga, kuwaasi waxaa u sugnaaday cadaab saxariirisa.
  58. Kuwa usoo haajiray arrinka Allaah [kor yeelidda Diinta darteed], oo la dilo ama dhinta, wuxuu xaqiiqdii Allaah siin doonaa rizqi wanaagsan, oo xaqiiqdii Allaah waa kan u wanaagsan inta bixisa rizqi.
  59. Wuxuu xaqiqidii galin doonaa meel la galo ay ka raalli noqdaan [Janno], oo Allaah waa cilmi badane, dul badan.
  60. Waa sidaase, kii gaysta dhib lamid ah intii la dhibaateeyay oo kale, dabadeed lagu aabyoodo, Allaah hubaashii waa u gargaari doonaa. Xaqiiqdii Allaah waa cafis badane, danbi dhaaf badan.
  61. Taasi waa inuu Allaah galiyo habeenka maalinta, oo galiyo maalinta habeenka, oo Allaah waa maqal badane, arkid badan.
  62. Taasi waa in Allaah uu yahay Xaq, oo waxa ay u yeeranayaan oo baryayaan [Allaah] sokadi waa baadil. Xaqiiqdii Allaah waa sarreeyaha wayn.
  63. Ma waadan arkayn inuu Allaah kasoo dajiyo biyo [roob] xagga cirka, oo noqdo dhulku doog? Xaqiiqdii, Allaah waa roonaan badane, xog-ogaal ah.
  64. Wuxuu leeyahay waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka, oo xaqiiqdii Allaah waa hodan [ka deeqtoon wax waliba] mudan ammaan oo idil.
  65. Mawaadan ogayn inuu Allaah idiin sakhiray waxa ah dhulka korkiisa, iyo doomaha ku socda badda amarkiisa? Wuxuu ka hayaa cirka inuu kusoo dhaco dhulka idankiisa ma ahee, xaqiiqdii Allaah waa mid dadka uturid iyo naxariis badan.
  66. Oo waa isaga kan idin nooleeya, misna idin dhinsiiya, misna idin siin doona nolol mar kale [Maalinta Qiyaamaha]. Xaqiiqdii Aadamuhu waa mid abaal dhac badan.
  67. Ummad walba waxaan u jideennay hab iyo munaasabad cibaado [waa gawraca xoolaha nicmooleyda ah saddexda maalmood ee la joogo inta lagu jiro Xajka] oo waajib ah inay raacaan ee yaysan [mushrikiintu] kugula murmin arrinka [ah inaad cunto xoolaha aad gawracdo, oo aadan cunin xoolaha uu Allaah ku dilo dhimasho dabiici ah oo xagga Allaah ah], oo ugu yeer kuwaa xagga Rabbigaa, xaqiiqdii adiga [Muxammadow] waxaad ku sugan tahay hanuun toosan.
  68. Oo haddii ay kaala doodaan [arrimo ku saabsan gawraca xoolaha hadyiga ah iyo wax shuruucda Islaamka la xiriira] dheh, “Allaah waa og yahay waxa aad falaysaan.”
  69. Allaah waa ku kala xukumi doonaa dhexdiinna Maalinta Qiyaamaha waxa aad isku khilaafsanaydeen.
  70. Mawaadan ogayn inuu Allaah og yahay waxa ku sugan cirka iyo arlada? Xaqiiqdii, taasi waxay ku yaalliin kitaab [Lawxa Maxfuudka]. Xaqiidii taasi Allaah waa u fududdahay.
  71. Oo waxay caabudayaan Allaah sokadi wax uusan usoo dajin xujo, oo aysan u lahayn cilmi, oo ma laha daalimiinta [mushrkiinta, gaalada iyo wixi lamida] gargaare.
  72. Oo marka loo aqriyo aayadahayaga cadcad, waxaad ka garataa diiddo wajiyada gaalada, oo waxay sigaan inay kusoo boodaan oo ugu soo fidiyaan xumaan carrabyadooda iyo gacmahooda kuwa aqrinaya aayadahayaga. Dheh, “Ma idiin ka warramaa wax taas [waxa aad ku cabsi galisaan mu’miniinta] ka shar badan? Waa dabka [Naarta ah] ee Allaah u yaboohay kuwa gaaloobay, oo aayatiin xun.
  73. Dadow! Waxaa la yeelay tusaale ee u dhagaysta [si wanaagsan]: Xaqiiqdii kuwa aad u yeeranaysaan oo baryaysaan Allaah sokadi ma abuuri karaan [xitaa] duqsi haba u kulmeene taasi, haddii uu duqsi wax ka dafana, kamasoo ceshan karaan, liidasho badanaa [labadaba] dalbaha iyo la dalbahaba.
  74. Ma ay qaddarin Allaah qaddarinta uu mudan yahay, xaqiiqdii Allaah waa xoog badane, awood badan.
  75. Allaah wuxuu ka doortaa malaa’igta rusul iyo dadkaba, xaqiiqdii Allaah waa maqal badane, arkid badan.
  76. Wuxuu ogsoon yahay waxa hortooda ah [ku dhacaya adduunkan] iyo waxa gadaashooda ah [ku dhici doona Aakhirada], oo xagga Allaah baa loo celiyaa arrimaha oo dhan.
  77. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Rukuuca oo sujuuda oo caabuda Rabbigiin oo fala khayr aad liibaantaane.
  78. Oo u jihaada Allaah darti jihaadid dhab ah, Isaga [Allaah] baa idin doortay, oo ma yeelin dushiinna xagga diinta wax dhib iyo culays ah, waa diintii aabbihiin Ibraahiim, Isaga [Allaah] baa idin ku magacaabay Muslimiin awal hore iyo Qur’aankan [dhexdiisaba] si uu rasuulku [Muxammad] idiin kugu noqdo marag, oo idinkuna aad markhaati ugu noqotaan dadka, ee u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya zakada oo qabsada Allaah [ku kalsoonaada, oo isku halleeya oo tala saarta oo isku dhawra], Isagaa ah mawlihiin [gacalkiin, Rabbigiin, mudanihiin], muxuu yahay gacal wanaagsan, oo muxuu yahay gargaare wanaagsan!

Suuradda 23aad: Al-Mu’minuun [Mu’miniinta]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waxaa dhabtii liibaanay mu’miniinta.
  2. Kuwa iyagu salaaddooda ku khushuuca.
  3. Oo ah kuwa laġwiga [af lagaaddada, beenta, hadalka xun ee macna darrada ah, baadilka, iyo dhammaan waxyaalaha Allaah reebay] ka jeesada [oo ka fogaada].
  4. Oo ah kuwa Zakada bixiya.
  5. Oo ah kuwa xubnahooda hoose ee gaarka ah ka ilaaliya oo xafida galmood xaaraan ah [zino, gogol dhaaf iyo wixi lamida].
  6. Ee u taga oo kaliya kuwa xalaasha u ah ee ah afooyinkooda ama dumarka addoomaha ah ay midigtoodu hanatay, markaa ma laha eed.
  7. Kuwiise doona wax intaas dhaafsiisan, waa kuwaas xadgudbayaasha.
  8. Oo waa kuwa ammaanooyinkooda iyo cahdiyadooda [ballankooda] dhawra.
  9. Oo waa kuwa sida aadka ah u dhawra salaaddooda [shanta salaadood ee faralka ah ee jamaaco ahaanta loogu waajibiyay ragga inay ugu tukadaan masaajidda iyagoo gudanaya salaadahaas shanta ah waqtiyadii loo xaddiday].
  10. Waa kuwaas dhaxlayaasha.
  11. Kuwa dhaxli doona Firdaws [Jannada] iyagoo dhexdeeda ku waaraya.
  12. Oo waxaan dhabtii ka abuurnay dadka [Aadam] dhoobo sooc ah [biyo iyo ciid].
  13. Oo waxaan ka yeelnay [firka Aadam oo ka abuurnay] nutfa [tifiq biyo shahwo keentay ah, mino oo aan ku meeleennay] meel sugan oo aamin ah [riximka].
  14. Markaas baan waxaan ka yeelnay nutfadii [tifiqdii] xinjir [goosan adag oo dhiig adkaaday ah], oo ka yeelnay xinjirtii rudmo yar oo hilib ah, waxaana u samaynnay cadkii hilibka lafo, markaas baan huwinnay lafihii hilib, dabadeed waxaan keennay isagoo abuur kale ah, ee waxaa kor ah oo khayr badan Allaah, Kan uwanaagsan abuurayaasha.
  15. Oo intaas kaddib idinku waa dhiman doontaan.
  16. Oo xaqiiqdii idinku Maalinta Qiyaamaha waa la idin soo bixin doonaa.
  17. Oo waxaan dhabtii ka abuurnay korkiinna toddoba dabaq [samo oo midba kan kale korkeed yahay], oo ma nihin kuwo uumanka moog.
  18. Oo waxaannu kasoo dajinnay cirka biyo [roob] qaddaran oo qiyaas ah, markaas baan ka siinnay meel dagaan dhulka dhexdiisa, oo inaan la tagno waan karraa.
  19. Oo waxaan idiin kusoo saarnay beero, timir ah iyo canabyo oo miro fara badan idiin leh, oo aad wax ka cuntaan.
  20. Iyo geed [zaytuun] ka baxa Buurta Siinaay, oo soo saarta saliid oo koosaar [jidaan] u ah cunayaasha.
  21. Oo waxaa xaqiiqdii idiin ku sugan xoolaha cibrad, waxaan idin ka waraabinnaa [caano] waxa ku jira uurarkooda, oo waxaa idiin ku sugan manaafacaad [kale] oo badan oo ay idiin leeyihiin, oo xaggeeda baad wax ka cuntaan.
  22. Oo dushooda iyo doomaha korkooda waa la idin ku qaadaa.
  23. Oo waxaan dhabtii u dirnay Nuux qawmkiisii, wuxuuna yiri, “Qawmkayow caabuda Allaah, ma lihidin ilaah aan Isaga ahayn, ee mawaydaan ka dhawrsanayn [shirkiga iyo macaasida]?”
  24. Waxayse madaxdii gaalowday ee kamid ahaa qawmkiisii yiraahdeen, “Kanu ma aha wax ka badan qof idin lamid ah, wuxuu rabaa inuu iska kiin kormariyo, haddii uu Allaah doono wuxuu hubaashii soo diri lahaa malaa’ig, ma aannu ka maqal waxakan oo kale aabbayaashayadii hore.”
  25. “Wax kalana ma uu aha ee waa nin waalli qaba, ee usuga ilaa muddo.”
  26. Wuxuu [Nuux] yiri, “Rabbiyow iiga gargaar beenintooda.”
  27. Markaas baan u waxyoonnay [Annagoo leh], “Ku samee doon indhahayaga hoostooda iyo waxyigayaga [hanuunkayaga], ee markii uu yimaado amarkayagu, oo burqado tinnaarku biyo, ku qaad doonta wax walba labo nooc [lab iyo dheddig] iyo ehelkaaga, wixii maahee qawlku horay ugu dhacay oo kamid ah, oo ha igala hadlin [wax dan u ah] kuwa dulmiga [shirkiga iyo macaasida] falay, xaqiiqdii waa kuwo la hafinayo.”
  28. Oo marka aad korto adiga iyo waxa ku wehliyaba doonta dheh, “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga badbaadiyay qawmka daalimiinta ah.”
  29. Oo dheh, “Rabbiyow! I daji dhul degaan barakaysan ah, Adiga baa u wanaagsane inta wax dajisa.”
  30. Xaqiiqdii arrintani [hafintii qawmkii Nuux] waxaa ugu sugan aayado [tusaalooyin qawmkii ka qaadanaya darsin] waxaannuna nahay kuwa wax imtixaama.
  31. Oo waxaan abuurnay gadaashood fac kale.
  32. Waxaana u dirnay dhexdooda rasuul kamid ah [isagoo leh], “Caabuda Allaah, ma lihidin ilaah kale aan Isaga ahayn, ee ma waydaan ka dhawrsanayn [xumaha]?”
  33. Madaxdii qawmkiisa ee gaaloobay oo beeniyay la kulanka Aakhirada, oo aan siinnay raaxada noloshan adduunka baa yiri, “Kanu ma aha wax ka badan qof idin lamid ah, wuxuu cunaa waxa aad cuntaan, oo cabbaa waxa aad cabtaan.”
  34. “Oo haddii aad adeecdaan qof Aadame ah oo idin lamid ah, waxaad tihiin kuwo khasaaray.”
  35. “Ma wuxuu idiin yaboohayaa in markii aad dhimataan oo aad noqotaan ciid iyo lafo in la idin kasoo bixinayo [qabriga]?”
  36. “Waa wax fog oo fog waxa la idiin yaboohay.”
  37. “Waxba ma jiraan aan ahayn noloshayada adduunkan, waxaa dhinta [qaarkayo] oo noolaada [qaarkayo kale], oo ma nihin kuwa lasoo bixin doono.”
  38. “Isagana wax kale ma aha ee waa nin ku been abuurta Allaah, mana aannu nihin kuwo rumaynaya.”
  39. Wuxuu yiri, “Rabbiyow iiga gargaar beenintoodaa.”
  40. Wuxuu [Allaah] yiri, “Muddo yar gudaheed, waxay hubaashii ahaan doonaan kuwo shallaaya.”
  41. Markaas baa waxaa qabatay sayxa [cadaab qaylo daran] oo xaq ah, oo waxaan ka dhignay daadxoor, ee ha fogaadeen [balo ha ku dhacdo] qawmka ah daalimiinta.
  42. Waxaana abuurnay iyaga gadaashood facyo kale.
  43. Kama hor marto ummadi ajasheeda, oo kama dib marto.
  44. Waxaana soo dirnay rusushayadii oo is raacsan, mar kasta oo uu uyimaado ummad rasuulkeedu waa ay beeniyaan, markaasaan ka yeelnay inay isku daba galaan qaarkoodba qaar [hoogga iyo halaagga] oo waxaan ka yeelnay axaadiis [sheekooyin dhab ah oo dadka loo soo gudbiyo si ay ugu cibrad iyo waano qaataan], ee ha fogaadeen [balo haku dhacdo] qawmkii aan [xaqa] rumayn.
  45. Waxaana lasoo dirnay Muusaa iyo walaalki Haaruun aayadahayagii iyo xujo cad.
  46. Xagga Fircawn iyo duqaydiisi, waxayse u dhaqmeen si kibir iyo faan ah, oo waxay ahaayeen qawm isla sarreeya.
  47. Waxay yiraahdeen, “Ma waxaan rumaynaynaa labo nin oo nala mid ah qawmkooduna yihiin kuwo noo adeega?”
  48. Markaas bay beeniyeen oo kamid noqdeen kuwii la halaagay.
  49. Oo waxaan hubaashii siinnay Muusaa Kitaabka [Tawraadda] si ay u hanuunaan.
  50. Oo waxaan ka yeelnay ina Maryam iyo hooyadiis calaamo, oo waxaannu hoyinnay meel sare oo sugnaasho iyo biyo socda leh.
  51. [Idinka] rususha ahow! Ka cuna dayyibaadka [waxyaalaha xalaasha ah oo dhan ee bannaan] cuntada ee uu Allaah idiin ka yeelay xalaasha oo fala camallo suubban, Anigu waxa aad falaysaan waan ogahaye.
  52. Oo xaqiiqdii, tani waa diintiinna [Islaamka] diin kaliya, oo Anigu waxaan ahay Rabbiigiin ee iga cabsada.
  53. Waxayse [dadku] u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda qaybo oo kooxo iyo dariiqooyin ku noqdeen, qolo waliba waxa ay haystaan ay ku faraxsan yihiin.
  54. Ee uga tag [gafkood dhexdiisa] ilaa muddo.
  55. Ma waxay moodayaan waxaannu siinno oo maal iyo carruur ah.
  56. Inaan ulasoo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan ee khayrka ah [nolosha adduunka, mayee waxaan sidaas u yeelnaa inayan ku yeelan doonin qaybna waxyaalaha wanaagsan ee Aakhirada darteed] balse ma dareensana.
  57. Xaqiiqdii kuwa iyagu cabsida Rabbigood ay ku wayn tahay
  58. Oo ah kuwa aayadaha Rabbigood rumaysan
  59. Oo ah kuwa aan Rabbigood la wadaajin cibaadada cidna
  60. Oo ah kuwa bixiya [sadaqaddoodaasi] ay bixiyaan [oo sidoo kale fala camallo wanaagsan ee kale] qalbiyadooda oo ay ka buuxdo cabsi [in zakooyinkooda, sadaqooyinkooda, camalladooda wanaagsan iyo wixi lamida la aqbalay iyo in kale] ee huba inay u noqon doonaan Rabbigood [oo ay la kulmi doonaan xisaab iyo jaazayn]
  61. Waa kuwaas kuwa u dagdaga khayrka ee iyagu u dheereeya [sida gudashada shanta salaadood ee faralka ah, waqtiyadooda hore ee loo qabtay, iyo acmaasha kalaba].
  62. Oo ma saarno qofna waxa aan ahayn karaankiisa, oo waxaa agtayada ah kitaab ku hadla xaq, iyagoo aan la dulminayn.
  63. Mayee qalbiyadooda waa laga daboolay [oo waa ka laabo la’ yihiin] fahmidda kan [Qur’aankani], oo waxay leeyihiin camallo [kale oo xun] oo kuwaa u wehliya, oo ay ka hawlan yihiin.
  64. Haa, markii aan ku qabanno cadaab kuwaas kamid ah ee ku nool nolol ladan ee raaxo leh bay markaas ku calaacalaan oo baryootamaan cod dheer.
  65. Ha calaacalina manta! Hubaashii ma ahaan doontaan kuwo xaggayaga looga gargaaro.
  66. Dhabtii aayadahaygii baa la idiin aqriyi jiray, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna [idinkoo beeninaya ay idiin dheer tahay nacayb aad u qabteen inaad dhagaysataan].
  67. Idinkoo isku kibrin [mushrikiintii Makka waxay dareemi jireen faan iyo islawayni inay yihiin darteed dadka Xaramka] oo ku cawaynaya af xumo [wax xun ka sheegidda Qur’aanka iyo Nabiga].
  68. Ma waysan u fiirsan hadalka [Allaah, waxa loo waxyoodo Nabiga] mise waxaa u yimid wax aan u iman aabbayaashoodii hore?
  69. Mise waxaysan garan rasuulkooda [Muxammad] oo markaas diidayaan?
  70. Mise waxay leeyihiin, “Wuxuu qabaa jin?” Ma jirto, bal wuxuu u keenay xaq, badankooduse [gaaladu] way nacaan oo ka hor yimaadaan xaqa.
  71. Oo haddii uu raaci lahaa xaqu [Allaah] hawooyinkooda, waxaa xaqiiqdii fasahaadi lahaa cirarka iyo dhulka iyo wax kasta oo gudahooda ah, mayee waxaan siinnay waano wanaagsan [Qur’aankan] oo sharaf u ah, waanada wanaagsanse ee sharaftooda ah way kasii jeesadaan.
  72. Mise waxaad adigu [Muxammadow] waydiisataa kharaj [ujuuro, maal iyo wixi lamida aad naftaada u rabto]? Ajarka Rabbigaa baa khayr badan, waana isaga kan u wanaagsan inta bixisa irzaaqad.
  73. Oo xaqiiqdii adigu [Muxammadow] waxaad dhabtii ugu yeertaa iyaga jid toosan [Islaamka].
  74. Oo xaqiiq kuwa aan rumaysnayn Aakhirada waa kuwo jidka [xaqa] ka fog.
  75. Oo haddii aan u naxariisanno oo aan ka faydno waxa haya oo dhib ah, waxay wali ku sii cariiqsan lahaayeen xad gudubkooda, iyagoo ku jaha wareersan.
  76. Oo waxaan dhabtii ku qabannay cadaab, umase ayan khushuucin Rabbigood, oo ma ayan baryin [Allaah] iyagoo u nugul.
  77. Ilaa markii aan ku furno albaab cadaab daran leh markaas bay quustaan.
  78. Oo waa [Allaah] Kan idiin abuuray [dareenka] maqalka [dhagaha] aragga [indhaha] iyo laabaha [fahanka] waa yar tahay inta aad shukrisaane.
  79. Oo waa [Allaah] Kan idin ku uumay dhulka, oo xaggiisa la idiin kulmin doono.
  80. Oo waa Kan wax nooleeya, oo wax dila, oo leh isdhaafka habeenka iyo maalinta, ee mawaydaan lahayn garasho?
  81. Mayee waxay yiraahdaan wax lamid ah wixii ay dadkii hore yiraahdeen.
  82. Waxay yiraahdeen, “Ma markii aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa innaga nalasoo bixin doonaa?”
  83. “Xaqiiqdii waxakan baa naloo yaboohay, innaga iyo aabbayaashayadii innaga horreeyayba! Waxakanuna waa oo kaliya sheekooyinkii dadkii hore.”
  84. Dheh, “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddii aad wax og tihiin?”
  85. Waxay oran doonaan, “Allaah!” Dheh, “Ee mawaydaan waansamayn?”
  86. Dheh, “Waa kuma Rabbiga cirarka toddobada ah iyo Rabbiga carshiga wayn?”
  87. Waxay oran doonaan, “Allaah.” Dheh, “Ee ma waydaan ka dhawrsanayn xumaha.”
  88. Dheh, “Kee bay gacantiisa ku jiraan mulkiga iyo maamulka wax walba [waa khaznadaha wax waliba iyo mafaatixdooda], oo Isaga wax magan galiya, Isagana aan wax laga magan galin karin, haddii aad wax og tihiin?”
  89. Waxay oran doonaan, “Allaah.” Dheh, “Xaggee la idiin sixray?”
  90. Balse waxaan u keennay xaq [Islaamka] oo xaqiiqdii, iyagu [gaaladu] waa beenaalayaal.
  91. Ma yeelan Allaah ilmo [carruur], oo ma aha la jirkiis ilaah kale [haddii ay jiri lahaayeen ilaahyo dhawr ah] markaas wuxuu la tagi lahaa ilaah walba wixii uu abuuray, qaarkoodna waxay isku dayi lahaayeen inay ka adkaadaan qaar kale. Ka nazahan Allaah nuqsaan oo dhan, oo waa ka sarreeyaa dhammaan waxyaalaha [xun] ay ku tilmaamayaan.
  92. Waa ogaha waxa maqan iyo waxa muuqda! Waa ka sarreeyaa waxa ay la wadaajinayaan [cibaadada].
  93. Dheh [Muxammadow], “Rabbiyow! Haddii aad itusayso waxa loogu gooddiyay [waa cadaabka].”
  94. “Rabbiyow markaa [iga badbaadi ciqaabtaada] oo ha iga mid yeelin qawmka daalimiinta ah.”
  95. Oo xaqiiqdii Annagu in aan ku tusno [Muxammadow] waxa aan ugu gooddinnay waan awoodnaa.
  96. Ee raaci [oo dhaafso] xumaanta tan iyadu wanaagsan, Annaga baa ogsoon waxa ay sheegayaan.
  97. Oo dheh, “Rabbiyow! Waxaan kaa magan galay waswaas galinta shaydaammada.”
  98. “Oo waxaan kaa magan galayaa Rabbiyow inay ii yimaadaan [ama igusoo dhawaadaan shaydaammada].”
  99. Haa, markii ay u timaaddo midkood [mushrikiinta, gaalada iyo wixi lamida] dhimashada, wuxuu yiraahdaa, “Rabbiyow dib ii celi.”
  100. “Si aan ugu falo wanaag wixii aan ugu soo tagay gadaal.” May, wax kale maahe waa uun kalmad uu iska yiraahdo, gadaashoodana waxaa ah barzakh [xijaab] ilaa Maalinta lasoo bixin doono.
  101. Ee marka la afuufo suurka, ma jiro qaraabannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma waydiin doonaan.
  102. Ee kii ay cuslaato miizaankiisu [camallada wanaagsan], waa kuwaasi uun kuwa liibaanay.
  103. Kiise ay fududaato miizaankiisu [camallada wanaagsan ah], waa kuwaas kuwa khasaariyay nafahooda [oo gali] Naarta Jahannama iyagoo ku waaraya.
  104. Waxaa gubaya wajiyadooda Naarta, iyagoo waji diiran.
  105. [Waxaa lagu oran doonaa], “Sow aayadahayga [Qur’aankani] la idiin ma aqriyi jirin oo ma aydaan beenin jirin?”
  106. Waxay oran doonaan, “Rabbiyow waxaa naga adkaatay xumaantayadii, oo waxaannu ahayn qawm habowsan.”
  107. “Rabbiyow! Naga saar tani, haddii aan mar kale u noqonno [xumaan], innaga baa daalimiin ah.”
  108. Wuxuu [Allaah] oran doonaa, “Ku fogaada dhexdeeda oo ku dufooba, oo ha ila hadlina.”
  109. Waxaa xaqiiqdii jiray qaar kamid ah addoomahayga oo oran jiray, “Rabbiyow! Waan rumaynay ee noo danbi dhaaf, oo noo naxariiso, Adigaa u wanaagsane inta naxariisata.”
  110. Waxaadse ka dhigateen jeesjees ilaa ay idin illawsiiyeen xusiddaydii, waana ku qosli jirteen.
  111. Waxaan xaqiiqdii ku abaal mariyay Maanta wixii ay sabri jireen darteed, inay iyagu yihiin kuwa liibaanay.
  112. Wuxuu [Allaah] oran doonaa, “Immisa sano baad joogteen dhulka?”
  113. Waxay oran doonaan, “Waxaan joognay maalin ama maalin qaarkeed, ee waydiiya kuwa wax tiriya.”
  114. Wuxuu [Allaah] oran doonaa, “Ma aydaan joogin in yar ma’ahee haddii aad wax og tihiin.”
  115. “Ee ma waxaad mooddeen inaan idiin abuurnay cayaar [ujeeddo la’aan] oo aan xaggayaga la idiin soo celinayn?”
  116. Waxaa kor ah Allaah, Boqorka runta ah, ma jiro ilaah aan Isaga ahayn, Rabbiga carshiga sharafta leh.
  117. Ee kii barya Allaah la jirkiis ilaah kale, oo aan xujo lahayn, xisaabtiisu waxay la jirtaa Rabbigi, mana liibaanto gaalo.
  118. Oo dheh [Muxammadow], “Rabbiyow danbi dhaaf oo naxariiso, oo waa Adiga Kan u wanaagsan inta naxariisata.”

Suuradda 24aad: An-Nuur [Nuurka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. [Tani] waa suurad [ka mid ah Qur’aanka] aan soo dajinnay oo aan farad yeelnay, oo aan kusoo dajinnay dhexdeeda aayado cadcad bal inaad xustaan [amar qaadataan].
  2. Zaaniyadda iyo zaaniga [aan horay u guursan ay ku caddaato danbiga ah inay la yimaadeen zino, galmood xaaraan ah] ku dhufta midkood walba boqol jeedal, oo yaysan idin ka celin turid ku qaadistooda ciqaab uu xukumay Allaah, haddii aad rumaysan tihiin Allaah iyo Maalinta Aakhiro, oo waa inay goob joog ka yihiin ciqaabtooda koox mu’miniin ah.
  3. Zaanigu ma guursado waxaan ahayn zaaniyad ama mushrikad, zaaniyadduna ma guursato waxaan aan ahayn zaani ama mushrik, oo waa laga xaaraameeyay taasi mu’miniinta.
  4. Oo kuwa zino ku gana [ku eedeeya dhillaysi] dumarka dhawrsoon, oo aan keenin afar markhaati ah, jeedala siddeetan jeedal, oo ha gashannina marag waligiin, kuwaasu waa faasiqiin.
  5. Marka laga reebo kuwa tawbad keena intaas kaddib, oo u dhaqma si suubbanaan ah, xaqiiqdii Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  6. Kuwana qadfa [oo kusoo eedeeya] xaasaskooda [zino gogol dhaaf] oo aan haysan markhaati aan ahayn naftooda, marag furka midkood waa inuu afar jeer markhaati gashado [oo ku dhaarto] Allaah inuu run sheegayo.
  7. Tan shanaadna [marag furkiisa shanaad] waa inay ahaataa lacnadda Allaah dushiisa ahaato haddii uu been sheegayo.
  8. Oo waxaa ka celinaya iyadana ciqaabta [in la medo tan iyo geeri ah] haddii ay markhaati gashato oo ku dhaarato afar jeer Allaah, in isagu [ninkeedu] been sheegayo.
  9. Tan shanaadna [marag gashigeeda shanaad] waa inay ahaataa in carada Allaah ahaato korkeeda haddii uu [ninkeedu] run sheegayo.
  10. Oo haddii uusan jireen fadliga Allaah korkiinna iyo naxariistiisa [waa uu idiin soo dadajin lahaa ciqaabka], waase in Allaah yahay midka aqbala tawbada, xikmadda badan.
  11. Xaqiiqdii kuwa la yimid masabbidashada [Caa’isha Alla haka raalli noqdee, xaaskii Nabiga] waa koox idin kamid ah, ha umalaynina inay shar idiin tahay, mayee waa idiin khayr. Qof kasta oo kamid ahina wuxuu leeyahay wixii uu kasbaday oo danbi ah, xaggana koodii qaatay qaybta u wayn [waa Cabdullaahi bin Ubay bin Saluul, madaxii munaafiqiinta Madiina waagaas] oo kamid ah, wuxuu leeyahay cadaab wayn.
  12. Maxaydaan markii aad maqasheen [qadafkaa] ayan ugu malayn mu’miniinta rag iyo haweenba naftooda khayr, oo u oran waayeen, “Waxakani waa been abuur iska cad.”
  13. Maxayse u keeni waayeen afar markhaatiyood? Haddii ayan keenin markhaatiyaal, kuwaasi Allaah agtiis waa iyaga beenlowyada.
  14. Oo haddii uusan jireen fadliga Allaah korkiinna iyo naxariistiisa adduun iyo Aakhiraba, waxaa idin ku taaban lahaa waxa aad ku hadasheen darteed cadaab wayn. [Wuxuu hadalkan u dhacayaa mu’miniintii ku dhacay dabinkii munaafiqiintii oo wax ka fidiyay masabbidashadii Caa’isha, sida Misdax bin Uthaatha, Xamnah bint Jaxash, Xassaan bin Thaabit, iyo kuwa lamida, ee lama xiriiro munaafiqitii billaabay fitnada sida Cabdullaahi bin Ubay bin Salool iyo kuwa lamida].
  15. Markii aad ku fidinayseen dacaayaddaa carrabbadiinna, oo aad ka lahaydeen afafkiinna wax aydaan u lahayn cilmi, oo aad mooddeen wax yar oo fudud, halka ay ahayd Allaah agtiis wax baas oo daran oo wayn.
  16. Oo maxaydaan markii aad maqasheen u oran waydeen, “Nooma habboona inaan ku hadallo waxakani, Adigaa nazahan oo nuqsaan ka dheer [Allow] waxakani waa been abuur wayn.”
  17. Waa uu idin ka waaninayaa Allaah inaad u noqotaan waxaa oo kale waligiin, haddii aad tihiin mu’miniin.
  18. Oo wuxuu idiin caddaynayaa Allaah aayadaha, oo Allaah waa cilmi badane, xikmad badan.
  19. Xaqiiqdii, kuwa jecel inay ku faafto xumaanta [zinada galmoodka xaaraanta ah], mu’miniinta dhexdooda, waxaa u sugnaaday cadaab xanuun badan adduun iyo Aakhiraba, oo Allaah baa og oo idinku ma ogidin.
  20. Oo haddii uusan jireen fadliga Allaah korkiinna iyo naxariistiisa [Allaah wuu kusoo dadajin lahaa ciqaabka korkiinna] waase inuu Allaah yahay turid badane, naxariis badan.
  21. Kuwa [xaqa] rumeeyow ha raacina tallaabooyinka Shaydaan, oo kii kastoo raaca tallaabooyinka Shaydaan, xaqiiqdii wuxuu amrayaa xumaan [zino galmood xaaraan ah iyo wixi lamida] iyo munkar [shirki, gaalnimo, macaasi iyo wixi lamida], oo haddii uusan jireen fadliga Allaah korkiinna iyo naxariistiisa, daahir kama noqdeen danbiyo midkiinna idin kamid ah waligi, laakiinse Allaah baa wuxuu daahiriyaa [ku hanuuniyaa Islaamka] kii uu doono, oo Allaah waa maqal badane, cilmi badan.
  22. Oo yaysan ka dhaaran kuwa idin kamid ah ee lagu galladaystay deeqda iyo maalka inay siiyaan [kaalmo] qaraabadooda, masaakiinta iyo kuwa ugasoo tagay guryahooda Allaah dartiis, ee ha iska cafiyaan oo ha saamaxaan, ma waydaan jeclayn in Allaah idiin danbi dhaafo? Oo Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  23. Xaqiiqdii kuwa qadfa [ku sheega dhillaysi] dumarka dhawrsoon ee moog oo ka fog xumaanta, mu’minadaha wanaagsan ah, [kuwaa qadfa] waa Iagu lacnaday adduunka iyo Aakhiradaba, oo waxay leeyihiin cadaab wayn.
  24. Maalinta ay ku markhaati furi doonaan carrabbadoodu, gacmahoodu iyo lugahoodu waxay falayeen.
  25. Maalintaas wuxuu ugu oofin doonaa Allaah jazaha acmaashooda si dhan, oo waxay ogaan doonaan inuu Allaah yahay xaqa cad.
  26. Haweenka ayo hadadka xun waxaa mudan ragga xun, xumayaashana waxaa u sugnaadeen xumooyinka, samooyinkana waxay u sugnaadeen samayaasha, samayaashana waxay u sugnaadeen samooyinka. Kuwaasu [dadka wanaagsan sida Caa’isha Alla haka raalli noqdee iyo ehelkeeda] barii bay ka yihiin [mid] iyo hadal xun [walbaa] ay ka sheegaan [dadka xun], abaal gudkoodu waa danbi dhaaf iyo rizqi wanaagsan.
  27. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Ha galina guryo aan ahayn guryihiinna jeer aad idan warsataan, oo salaantaan [idinkoo oranaya as-salaamu calaykum], sidaas baa idiin khayr badan, si aad u waansantaan.
  28. Oo haddii aydaan ka helin cidna [wax jawaab ah aydaan helin], markaa ha galina jeer la idin siiyo idan, oo haddii la idin dhaho noqda, noqda [cuqdad la’aan], iyada baa idiin daahirsane, oo Allaah waxa aad falaysaan waa og yahay.
  29. Ma aha korkiinna danbi inaad gashaan [idan la’aan] guryo aan la dagganayn [ayan cidna gaar u lahayn], [markii] ay dani idiin taal, oo Allaah waa ogyahay waxa aad muujinaysaan iyo waxa aad qarinaysaanba.
  30. Oo u sheeg mu’miniinta inay ka laabaan aragyadooda [fiirinta waxyaalaha la reebay, sida dumarka shisheeyaha ka ah oo ay gayaan] oo ka ilaaliyaan xubnahooha gaarka ah [galmoodka xaaraanta ah zinada iyo wixi lamida], sidaas baa u daahirsan. Xaqiiqdii, Allaah waa u xog-ogaal waxa ay samaynayaan.
  31. Oo u sheeg mu’minadaha inay ka laabtaan aragyadooda [fiirinta waxyaalaha laga reebay, sida ragga shisheeyaha ka ah ee gaya] oo ka ilaaliyaan xubnahooda u gaarka ah [zinada iyo wixi lamida] oo waa inayan muujin quruxdooda waxeedii oo kaliya ma’ahee iska muuqda [dharkeeda kore iyo wixi lamida] iyo inay yeelaan hagoogtooda madaxooda, luqumahooda, laabahooda iyo wixi lamida, waana inayan u muujin quruxdooda waxaan ahayn nimankooda, aabbayaashood, aabbayaasha nimankooda, wiilashooda, ama wiilasha walaalahood, ama wiilasha walaalooyinkood, haweenkooda, ama waxa ay hanato midigtoodu, ama kuwa raacsan oo aan lahayn hawaysi dumar oo kamid ah ragga, ama ilmo yar oo aan yeelan dareen fiirsasho cawro dumar, oo yaysan ku garaacin [dhulka] lugahooda si loo ogaado waxa ay qarinayaan oo quruxdooda ah, oo u tawbad keena Allaah idinkoo dhan mu’miniintoy, aad liibaanteene.
  32. Oo u guuriya kuwaa idin kamidka ah ee guurlaawayaasha [kalida ah, waa ninka aan xaaska lahayn, iyo naagta aan ninka lahayn, oo sidoo kale u guuriya] kuwa wanaagsan [ee diinta ku toosan, fayow, karaankana leh] oo addoommahiinna [ragga ah], iyo addoonnadiinna [dumarka ahi], haddii ay yihiin sabool, Allaah baa ka deeqi doona fadligiisa, oo Allaah waa Waasac ku filan oo dabooli kara baahida uumankiisa, oo ogsoon [xaaladda dadka].
  33. Oo waa inay dhawrsadaan kuwa aan heli karin dhaqaale lagu guursado, inta Allaah wax uga deeqayo fadligiisa, oo kuwaa addoomahiinna ah ee midigtiinnu hanatay ee dalba in loo qoro [madax furid xurayn laga xoreeyo addoonnimada] siiya qoraalkaasi, haddii aad og tihiin inay yihiin kuwo wanaagsan oo aamin ah, oo wax ka siiya maalka Allaah uu idin siiyay, oo haku qasbina addoonooyinkiinna dhillannimo haddii ay rabaan dhawrsanaan, idinkoo doonaya sadka noloshan adduunka, ciddii khasabta, xaqiiqdii Allaah, ku khasbiddooda kaddib waa danbi dhaaf badane, u naxariis badan [dumarkaa].
  34. Oo Waxaan dhabtii idiin soo dajinnay aayado cad cad, iyo tusaale kuwii hortiin tagay, oo waano u ah kuwaa ka dhawrsada [shirkiga, gaalnimada iyo macaasida].
  35. Allaah waa Nuuriyaha cirarka iyo dhulka, mataalka nuurkiisa waa sida qoldhob ay dhexdiisa tahay liifad oo ay liifaddu dhalo ku jirto, oo dhalada la moodo xiddig kaah badan, oo laga shiday geed barakaysan, zaytuun aan ahayn bari [waa ma hesho iftiinka qorraxda oo kaliya subaxii] oo aan ahayn galbeed [waa ma hesho iftiinka qorraxda oo kaliya galabnamidii, ee waxay u bandhigan tahay qorraxda maalintii oo dhan], oo ay sigayso saliiddiisu inay iska ifto walow uusan taabanba dab, waa nuur lagu daray nuur, wuxuu Allaah ku hanuuniyaa Nuurkiisa ciddii uu doono, oo wuxuu u soo qaataa Allaah tusaalooyinka dadka, oo Allaah wax walba waa ogsoon yahay.
  36. Guryo gudahood [masaajid], uu Allaah amray in la kor yeelo, oo lagu xuso gudahooda Magaciisa, waxaa ugu tasbiixsada gudahooda subxaha iyo galbihiiba.
  37. Rag aysan ka shuqlin ganac iyo iib xusidda Allaah iyo u oogidda saaladda si wanaagsan, iyo bixinta Zakada. Waxay ka cabsadaan Maalin ay la gad-gaddoomi doonaan qalbiyada iyo aragyada [naxdinta cadaabka Maalinta Qiyaamaha].
  38. Si uu Allaah u abaal mariyo si waafaqsan kii u wanaagsanaa camalladoodii, oo waliba wax ugaga sii kordhiyo deeqdiisa, oo Allaah wuxuu u irzaaqaa ciddii uu doono xisaab la’aan.
  39. Xagga kuwa gaaloobay camalladoodu waa sida wirwir ka muuqda dhul bannaan siman ah, uu moodayo kan oommani biyo, markiise uu u yimaado uusan ka helin waxba, oo uu ka heli Allaah [jaazaynta] agtiisa ah, oo u oofin doona xisaabtiisa, oo Allaah waa ku dhaqsi badan yahay xisaab qaadista.
  40. Ama waa sida mugdiyo bad mool dheer oo waasic ah dhexdeed, oo ay daboosho mawjad [hir] wayn oo ay ka kor tahay mawjad [hir kale], oo ay ka sii kor tahay daruuro mugdi ah, mugdiyo qaarkoodba ka korreeyo qaar, haddii uu qofi soo fidiyo gacantiisa uu dhib ku arkayo, oo kii uusan Allaah u yeelin nuur, ma laha nuur.
  41. Mawaadan ogaan [Muxammadow] in Allaah ay nazahaan waxa ku sugan cirarka iyo dhulka iyo shimbiraha fidiya garbahooda [marka ay duullimaadka yihiin]; mid walba oo ka mid ah [Allaah] waa uu ogyahay salaaddiisa iyo tasbiixdiisa, oo Allaah waa og yahay waxa ay falayaan.
  42. Oo Allaah baa iska leh mulkiga cirarka iyo dhulka, oo waa xagga Allaah meel noqodka [wax walba].
  43. Mawaadan arkayn in Allaah soo kaxeeyo daruuro, dabadeed isu keeno wada jir, markaas ka dhigo gibillo isdulsaraan, oo waxaad arkaysaa roobka oo ka soo da’aya dhexdooda, oo wuxuu kasoo dajiyaa cirka baraf [sida] buuro ah, oo wuxuu ku ridaa barafkaa ciddii uu doono, oo ka duwaa ciddii uu doono, wuxuu sigaa iftiinka hillaaciisu inuu la tago aragga.
  44. Wuxuu gadgadiyaa oo is dhaafiyaa Allaah habeenka iyo maalinta, xaqiiqdii taasi waxaa ugu sugan cibro kuwa aragtida dheer.
  45. Oo Allaah wuxuu ka abuuray noole kasta oo nuuxnuuxsada biyo, waxaa kamid ah qaar ku xammaarta calooshooda, oo waxaa kamid ah qaar ku socda labo lugood, oo waxaa kamid ah qaar ku socda afar, wuxuu Allaah abuuraa wixii uu doono. Xaqiiqdii, Allaah wax kasta waa uu karaa.
  46. Waxaan dhabtii soo dajinnay aayado cadcad, oo Allaah wuxuu ku hanuuniyaa ciddii uu doono jid toosan [Islaamka].
  47. Waxay [munaafiqiintu] yiraahdaan. “Waxaan rumaynay Allaah iyo rasuulkiisa [Muxammad] waana adeecaynaa,” markaas baa waxaa jeesada qaarkood intaas kaddib, kuwaasina ma aha mu’miniin.
  48. Oo marka loogu yeero Allaah iyo rasuulkiisa, si uu u kala xukumo dhexdooda, mise qaar kamid ahi waa ka jeesadaan.
  49. Haddiise ay garta leeyihiin waa u yimaadaan iyagoo adeecsan.
  50. Ma waxaa ah qalbiyadooda cudur? Mise shaki bay qabaan mise waxay ka cabsanayaan in Allaah iyo rasuulkiisu ka eexdaan? Mayee waa kuwaasi daalimiinta.
  51. Hadalka kaliya ee mu’miniinta dhabta ahi, marka loogu yeero Allaah iyo rasuulkiisa si uu u kala xukumo dhexdooda, waa inay yiraahdaan, “Waan maqallay oo adeecnay,” waana kuwaas kuwa liibaanay.
  52. Oo kii adeeca Allaah iyo rasuulkiisa oo ka cabsada Allaah, oo ka dhawrsada [shirkiga, gaalnimada iyo macaasida] waa kuwaas kuwa guulaystay.
  53. Oo waxay ku dhaartaan Allaah dhaartooda ugu adag, in haddii aad amarto ay u baxayaan jihaad [si ay ugu diriraan arrinka Allaah]. Dheh, “Ha dhaarannina, [midda tan] adeeciddiinna ah waa la og yahay [inay noqonayso been]. Xaqiiqdii Allaah waa u xog ogaal waxa aad falaysaan.”
  54. Dheh, “Adeeca Allaah oo adeeca rasuulka, haddiise aad jeesataan, waxaa [Nabi Muxammad] saaran oo kaliya xilka la saaray [waa inuu gaarsiiyo Fartiinta Allaah dadka] idinkana waxaa la idin saaray adeecidda la idin saaray [inaad aqbashaan diinta iyo waxyaalaha ay idin amarto, oo waynaysaan, oo dhaqan galisaan], oo haddii aad adeecdaan [rasuulka] waad hanuunaysaan, oo ma saarna rasuulka waxaan ahayn gaarsiin cad.
  55. Wuxuu Allaah u yaboohay kuwiinna [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban inuu u dhiibo dhulka, [oo xukunka dhaxlaan] sidii uu ugu dhiibayba kuwii ka horreeyay, iyo inuu siiyo awood ay ku hirgaliyaan diintooda uu uga raalli noqday [Islaamka], oo wuxuu hubaashii ugu baddali doonaa cabsidoodii kaddib nabad galyo taam ah, [waxaase shardi ah] inay icaabudaan oo ila wadaajin waxba [cibaadada], oo kii gaalooba intaas kaddib, waa kuwaasi kuwa ah faasiqiinta.
  56. Oo u ooga Salaadda si wanaagsan oo bixiya Zakada, oo adeeca Rasuulka [Muxammad] si aad uga mudataan naxariis [xagga Allaah].
  57. Ha u malaynina kuwa gaaloobay inay ku baxsan [fakan] karaan dhulka, hoygoodu waa Naarta, oo aayo xun.
  58. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Ha idin warsadaan idan addoomahiinna ay gacantiinnu midig hanatay iyo kuwa aan qaan gaarinba oo idin kamid ah [inta ay idiin soo galin] saddex waqti: salaadda subax ka hor, iyo marka aad dharka dhigataan oo harsiimada ah, iyo kaddib salaadda Cishaha, saddexdan waqti waa waqtiyo gaar idiin ah [oo la nasto], waxaan ahayn waqtiyadan idinma saarna danbi idinka iyo iyagaba inaad is dhex martaan, oo ku wareegaysanayo [kaalmaynayo] midkiinba kan kale. Sidaas buu Allaah idiin ku caddaynayaa aayadaha, oo Allaah waa cilmi badane, xikmad badan.
  59. Oo marka ay carruurtiinnu qaan gaaraan, ha idin waydiistaan idan, sida kuwii ka horreeyay [oo ka waynaa da’ ahaan], sidaas buu Allaah idiin ku caddaynayaa aayadihiisa, oo Allaah waa cilmi badane, xikmad badan.
  60. Oo kuwa ka fariistay dhalmada oo haweenka ah, ee aan rajayn guur, ma saarna korkooda danbi haddii ay dhigaan dharkooda [kore] iyagoo aan muujinayn quruxdooda, inayse dhawrsadaan [waa inayan iska dhigin dharkooda kore] baa u khayr roon, oo Allaah waa maqal badane, cilmi badan.
  61. Ma jiraan wax ka reebaya [u diidaya] indhoolaha, iyo lug laawaha, iyo bukaanka, iyo nafahiinnaba inaad wax ka cuntaan guryihiinna, ama guryaha aabbayaashiin, ama guryaha hooyooyinkiin, ama guryaha walaalihiin [wiilasha ah], ama guryaha walaalooyinkiin [gabdhaha ah], ama guryaha adeerradiin, ama guryaha eeddooyinkiin, ama guryaha abtiyaashiin ama guryaha habaryarahiin, ama waxa aad hanataan furayaashooda, ama [guriga] saaxiibkiin, oo idinkuma saarna danbi haddii aad wax u cuntaan wadajir ama kala jir, markiise aad galaysaan guryaha, haku salaamo midkiinba kan kale salaan xagga Allaah ah [waa dhaha oo isku salaama salaanta Islaamka: as-salaamu calaykum] waa salaan barakaysan oo wanaagsan. Sidaas buu Allaah idiin ka caddaynayaa aayadaha si aad u garowsataan.
  62. Mu’miniinta dhabta ahi waa oo kaliya kuwa rumeeyay Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad], oo marka ay ku wehliyaan arrin guud oo loo dhan yahay aan tagin jeer ay idan warsadaan. Xaqiiqdii kuwa idanka ku warsada waa kuwaas kuwa [run ahaantii] rumaysan Allaah iyo Rasuulkiisa, ee haddii ay kuu warsadaan idan arrimahooda qaarkood, u idan koodii aad doonto, oo uga bari Allaah danbi dhaaf, xaqiiqdii Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  63. Oo haka yeelina u yeeridda Rasuulka [Muxammad] sida u yeeridda qaarkiinba qaar, Allaah waa og yahay kuwiinna dusa iyagoo ku gabbanaya [wax xoogaa cudur daar ah, iyagoo ka qaadanaya idan inay baxaan ah Rasuulka], ee haka digtoonaadeen kuwa khilaafa amarkiisa [amarka Rasuulka Muxammad] inay ku dhacdo fitno [musiibad ah inay gaaloobaan ama shirki falaan ama bidcooyin ay ku Aakhiro seegayaan, ama dhul gariirro, ama dagaallo sokeeye, isdil, ama khaa’imiin, tuugo iyo diktaatoorro ka adkaada oo xukunkooda gacanta loo galiyo oo lagu sallido, iyo wixi lamida] ama cadaab xanuun badan.
  64. Allaah baa leh waxa ku sugan cirarka iyo dhulka. Wuxuu dhabtii og yahay waxa aad ku sugan tihiin iyo Maalinta loo celin doono xaggiisa oo uga warrami doono waxay falayeen, oo Allaah wax walba waa og yahay.

Suuradda 25aad: Al-Furqaan [Kala-Saaraha]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waxaa barako iyo khayr batay Kan [Allaah] ee kusoo dajiyay kala-saaraha [xaqa iyo baadilka, waa Qur’aankani] addoonkiisa [Muxammad] si uu ugu ahaado caalamka dige.
  2. Kan iska leh mulkiga cirarka iyo dhulka, oo aan yeelan ilmo [carruur] oo aan u sugnaan wax shariig ah [la wadaaga] xukunka, oo wuxuu abuuray wax walba, oo qaddaray qaddarid wanaagsan.
  3. Waxayse yeeshaan sokadi ilaahyo kale aan abuurin waxba balse iyaga la abuuro, oo aan u hanan karin naftooda wax dhib ama dheef ah, oo aan lahayn wax awood ah [ay ku sababaan] dhimasho ama noolaansho iyo kasoo bixin qubuuraha midna.
  4. Oo waxay yiraahdaan kuwa gaaloobay, “Waxakanu [Qur’aanka] ma aha waxaan ahayn been abuur uu [Muxammad] hal abuurtay, oo ay ku kaalmayeen qawm kale.” Waxay la yimaadeen dulmi iyo beenba.
  5. Oo waxay yiraahdeen, “Waa sheekooyinkii dadkii hore oo uu soo qortay, oo waxaa loo soo yeeriyaa subax iyo galabba.”
  6. Dheh, “Waxaa [Qur’aanka] soo dajiyay Kan [Allaah] ee ogsoon sirta cirarka iyo dhulka gudahooda. Xaqiiqdii, waa danbi dhaaf badane, naxaris badan.”
  7. Oo waxay yiraahdaan [gaaladu], “Muxuu leeyahay Rasuulkani [Muxammad] cunaya cuntada, oo umaraya suuqyada [sidayada oo kale]. [Haddii uu rasuul dhab ah yahay] maxaa loola soo dajin waayay malag oo ahaada mid la diga?”
  8. “Ama [maxaa] maaliyad loo siin waayay, ama [muxuu] u yeelan waayay beer uu wax ka cuno?” Oo daalimiintu [mushrikiinta, gaalada] waxay yiraahdaan, “Raaci maysaan waxaan ahayn nin sixran.”
  9. Fiiri sida ay kuuga yeeleen mataallo oo ay udhumeen oo uraaci karin waddo [toosan]!
  10. Waxaa barako iyo khayr badan Kan [Allaah] haddii uu doono kuu yeelaya wax ka khayr badan waxaa [oo dhan] beero ay hoostoodu wabiyo qulqulayaan [Janno], oo kuu yeelaya daaro waawayn [Janno].
  11. Mayee waxay beeniyaan Saacadda [Maalinta Qiyaame], oo waxaan u diyaarinnay kii beeniya Saacadda Naar.
  12. Marka ay [Naartu] ka aragto meel fog, waxay ka maqlaan caro iyo cartan.
  13. Oo marka looga tuuro dhexdeeda meel ciriiri ah, iyagoo isku xirxiran, waxay u yeertaan hoog iyo halaag.
  14. Ha u yeerannina maanta halaag kaliya ee u yeerta halaag badan.
  15. Dheh [Muxammadow], “Ma [cadaab] taas baa wanaagsan mise beerta waaridda [Jannada] ee loo yaboohay kuwa ka dhawrsada xumaha? Waxay u ahaatay kuwaas abaal mann iyo aayo wanaagsan.”
  16. “Waxay ku leeyihiin [Jannada dhexdeeda] wixii ay doonaanba iyagoo ku waaraya, waa ballan uu isa saaray Rabbigaa oo waajib ah in la oofiyo.”
  17. Oo Maalinta uu soo kulmin doono iyaga iyo waxaa ay caabudayaanba Allaah sokadi, wuxuu ku oran doonaa, “Ma idinka baa dhumiyay addoomahaygaan, mise iyaga baa ka dhumay jidka [toosan]?”
  18. Waxay oran doonaan, “Adigaa nazahan! Naguma habboona in aan yeelanno Adiga ka sokow awliyo [ilaahyo, rabbiyo iyo wixi lamida], laakiinse waad u raaxaysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen digniintaada, oo noqdeen qawm halaagsamay.”
  19. Sidaas bay idiin ku beenin doonaan waxa aad leedihiin, markaasna ma kartaan inaad iska furataan [cadaabka], oo heli maysaan wax gargaar ah, oo kii idin kamid ah ee falaa dulmi [shirki iyo macaasi], waxaan ka yeeli doonnaa inuu dhadhamiyo cadaab wayn.
  20. Oo masoo dirin hortaa [Muxammadow] wax rusul ah oo aan cuni jirin cunnada, oo mari jirin suuqyada, oo waxaannu uga yeelnay qaarkiinba qaarka kale fitno ee ma sabraysaan? Rabbigaana waa mid arka [wax walba].
  21. Oo waxay yiraahdeen kuwa aan rajaynayn la kulankayaga [ee beeniya Maalinta Qiyaamaha], “Maxaa na loogu soo dajin waayay malaa’ig, ama aan u arki waynay Rabbigayo?” Waxay dhabtii isula waynaadeen oo madax adaygeen madax adayg wayn.
  22. Maalinta ay arki doonaan malaa’igta [waqtiga geerida ama Maalinta Qiyaame] ma bishaaraystaan Maalintaas mujrimiinta [mushrikiinta, gaalada. danbiilayaasha iyo wixi lamida], oo waxay [malaa’igtu] oran doonaan, “Waa xijaab oodan oo reebban [idiin ma ahaan wax khayr iyo wanaag ah].”
  23. Oo waxaan u jeesan doonnaa wixii ay [mushrikiinta, gaalada iyo wixi lamida] camallo faleen, waxaana ka yeeli doonnaa camalladaas sida boor la firdhiyay oo hawada ku baabba’ay.
  24. Ehlu-Jannuhu waxay yeelan doonaan Maalintaas rug tan u wanaagsan, oo yeelan halka u wanaagsan meel laga yeesho harsimaysi.
  25. Oo [xus] Maalinta cirka lala dillaacayo daruuraha, oo lasoo dajin doono malaa’igta soo dajin.
  26. Xukunka Maalintaas xaqa ah waxaa iska leh Raxmaanka [Allaah], oo waa maalin daran oo gaalada ku culus.
  27. Oo [xus] Maalinta uu qaniini doono daalimku gacmihiisa, wuxuu oran doonaa, “Hoogayeey! Maxaan ula raaci waayay jidka [toosan] Rasuulka [Muxammad]!”
  28. “Hoogayeey! Maxaan hebel uga yeeshay saaxiib!”
  29. “Wuxuu dhabtii iga dhumiyay waanada [Qur’aanka], inta uu ii yimid kaddib.” Oo Shaydaan waa hagradaa dadka waqtiga baahida iyo dhibaatada oo meel xun uga tagaa oo hungo ah.
  30. Oo wuxuu oran doonaa Rasuulku [Muxammad], “Rabbiyow! Waxay xaqiiqdii qawmkaygii ka yeesheen Qur’aankan wax laga tagay.”
  31. Oo sidaas baan ugu yeellay nabi walba cadow ka tirsan mujrimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha], oo ku filan Rabbigaa hanuuniye iyo hiilliye ahaan.
  32. Oo waxay yiraahdeen kuwii gaaloobay, “Maxaa Qur’aanka loogu soo dajin waayay mar kaliya isagoo dhan?” Sidaasu [waxaa loogu soo dajiyay qaybqaybta], si aan ugu sugno laabtaada, oo waxaannu kuugu waxyoonnay oo ku meerannay si heerar ah meerin wanaagsan.
  33. Oo ma jiro tusaale ay soo qaataan [si ay uga hortagaan ama kaga helaan gaf adiga ama Qur’aankani] oo aannaan kuu waxyoon xaq [burinaya tusaalahaa], iyo tafsiir ka wanaagsan.
  34. Kuwaa laysugu soo kulmin doona Naarta [iyagoo ku socda] wajiyadooda, kuwaas baa u xun meel ahaan, oo aad uga lunsan jidka.
  35. Oo waxaan dhabtii siinnay Muusaa Kitaabka oo waxaan ka yeellay la jirkiis walaalki Haaruun caawiye ahaan.
  36. Oo waxaannu niri, “Aada qawmka beeniyay aayadahayaga,” waana baabbi’innay [qawmkii Fircoon] baabbi’in.
  37. Oo qawmkii Nuux, markii ay beeniyeen rusushii baan hafinnay oo uga yeellay dadka calaamo, oo waxaannu u diyaarinnay daalimiinta cadaab daran.
  38. Iyo [sidoo kle] Caad iyo Thamuud iyo qoladii Rassi iyo qaaruumo intaas u dhexeeya oo badan.
  39. Oo mid walba waxaan u soo qaadannay tusaalooyin [caddaymo, casharro iyo cibrad ahaan], oo mid walba [oo kamid ah] waxaan halaagnay halaag daran.
  40. Oo waxay dhabtii soo mareen magaaladii [Nabi Luud] ee lagu halaagay roobka xun, ee ma waysan [gaaladu] ku arag [indhahooda]? Mayee waxaysan rajaynayn wax soo bixin ah.
  41. Oo marka ay [gaaladu] ku arkaan [Muxammadow] waxay uun kaa yeeshaan jeesjees [iyagoo leh], “Ma kan baa midka uu Allaah usoo diray rasuul ahaan?”
  42. “Wuxuu ku dhawaaday inuu naga dhumiyo ilaahyadayada, haddii aanan ku sabrin oo ku sugnaan.” Oo waa ogaan doonaan marka ay arkaan cadaabta, waa kee kan ka dhunsan jidka [toosan]!
  43. Ee ka warran [Muxammadow] kan isagu ka yeeshay ilaahiisa hawadiisa, ma waxaad adigu u noqon kartaa wakiil?
  44. Mise waxaad mooddaa inay badankoodu wax maqlaan ama wax gartaan? Ma ay aha waxaan ahayn xoolaha oo kale, mayee waaba kasii dhunsan yihiin jidka [oo kasii liitaan xoolaha].
  45. Mawaadan ogaan sida Rabbigaa u fidiyo hooska, oo haddii uu doono wuxuu ka yeeli lahaa mid xasilan [taagan], oo waxaan uga yeelnay qorraxda daliilkeeda.
  46. Waxaana usoo qabannaa xaggayaga qabasho aayar ah oo qarsoon.
  47. Oo Waa [Allaah] Kan idiin ka yeelay habeenka hu’, hurdadana nasiino, oo ka yeelay maalinta foof.
  48. Oo Waa [Allaah] Kan usoo dira dabaylaha ceelalyo ahaan bishaaro sida raxmaddiisa [roobkiisa] horti, oo waxaannu kasoo dajinnaa cirka biyo daahirin badan.
  49. Si aan ugu noolayno dhul dhintay, oo ugu waraabinno wixii aan abuurnay oo duunyo iyo dad badan leh.
  50. Oo waan u kala duwnay [badinnay] qaybinta [roobka ama biyaha] dhexdooda bal inay waansamaan, waase diideen dadku badankiisu waxaan ahayn gaalnimo.
  51. Oo haddii aan doonno, waxaan kasoo saari lahayn magaalo walba dige.
  52. Ee ha adeecin gaalada, oo kula jihaad [Qur’aanka intii karaankaaga ah] jihaad wayn.
  53. Oo Waa [Allaah] Kan isku sii daayay labada badood, kani waa muguc macaan, kanna milix jaan iyo qaraar ah, oo wuxuu yeelay [Allaah] xannib iyo xijaab dhan oo kala xira dhexdooda.
  54. Oo Waa [Allaah] Kan ka abuuray dadka biyo, oo u yeelay xigto iyo xididba, oo Rabbigaa waa mid wax walba kara.
  55. Oo waxay [mushirkiintu, gaaladu iyo wixi lamida] caabudayaan Allaah sokadi waxaan wax tari karin, waxna yeeli karin, oo gaalku waa mid mar waliba u ah caawiye [Shaydaanka] oo ku col ah Rabbigi.
  56. Oo kuuma aannu soo dirin [Muxammadow] waxaan ahayn bishaare side iyo dige ahaan.
  57. Dheh, “Idinkuma waydiisto [xaqa gaarsiintiisa] wax ajar ah, [ee ha waxido Allaah oo ha fasho camallo wanaagsan] kii doonaya inuu u samaysto xagga Rabbigi jid.
  58. Oo tala saaro [Muxammadow] Noolaha [daa’imka ah] aan dhiman, oo ku tasbiixso ammaanahiisa, oo ku filan Isagu xog ogaal ahaan danbiyada addommahiisa.
  59. Kan ku abuuray cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeyaba lix maalmood, oo ku istawooday [ka kor ahaaday] Carshiga [si ku habbon oo u qalanta waynidiisa], Naxariistaha [Allaah] ee waydii Isaga [Muxammadow wixii la xiriira sifaadkiisa iyo tilmaamahiisa, ka kor ahaanshihiisa uunkiisa iyo wixi lamida], maadaama uu Isagu yahay Khabiir [kan u xog ogaalka ah wax waliba, waa Allaah].
  60. Oo marka lagu yiraahdo, “Usujuuda Raxmaanka [Naxariistaha, Allaah], waxay yiraahdaan, “Oo waa maxay Raxmaan? Ma waxaan usujuudaynaa waxaa aad adigu [Muxammadow] ina amrayso?” Oo wuxuu u kordhiyaa didmo.
  61. Waxaa khayr iyo barako badnaaday [Allaah] Kan u yeelay cirka xiddigo waawayn [ama waddooyin ay xiddiguhu maraan], oo yeelay dhexdeeda nal wayn [qorrax] iyo dayax iftiimaya.
  62. Oo waa [Allaah] Kan uga yeelay habeenka iyo maalinta is daba mar, kii raba inuu waano qaato ama raba inuu mahdiyo.
  63. Oo addoomaha Raxmaanku [Allaah] waa kuwa ku mara dhulka dagganaan iyo miyir, oo marka ay kula hadlaan maangaabyadu [ereyo xun] ku jawaaba ereyo iyo hadal wanaagsan oo nabadeed.
  64. Waa kuwa ku caweeya habeenkii Rabbigood hortiis, sujuud iyo u taagnaan [salaad].
  65. Oo waa kuwa yiraahda, “Rabbiyow! Naga duw cadaabta Naarta, xaqiiqdii cadaabteedu waa wax joogta ah.”
  66. “Waxay iyadu dhabtii u xun tahay hoy iyo meel la dago.”
  67. Oo waa kuwa iyagu marka ay wax bixinayaan aan xad dhaafin oo aan wax ciriiryin, oo intaas dhexdeed ku toosnaada.
  68. Oo waa kuwa aan u yeeran [baryin] la jirka Allaah ilaah kale, oo aan ku dilin nafta uu Allaah xarrimay waxaan ahayn xaq, oo aan zinaysan, oo ciddii sidaas fasha waxay la kulmi doonaan cadaab daran.
  69. Waxaa loo laba laabi doonaa cadaabka Maalinta Qiyaame, oo wuu ku waari doonaa dhexdiisa isagoo dullaysan.
  70. Marka laga reebo ciddii tawbad keenta oo [xaqa] rumaysa oo fasha camallo suubban, kuwaas wuxuu Allaah ugu baddali doonaa xumaanahoodii xasanaad [camallo wanaagsan], oo Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  71. Oo kii tawbad keena oo fala camallo wanaagsan oo suubban, wuxuu u tawbad keenayaa xagga Allaah tawbad keen.
  72. Oo waa kuwa aan shaahidin baadil [oo aan furin markhaati been ah], oo haddii ay soo ag maraan wax uun dhaqan xumo ah ama hadal xun ku mara sharaf [oo aan ku joogsan bal ka jeesada].
  73. Oo waa kuwa marka lagu waaniyo aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhago la’aan iyo indho la’aan.
  74. Oo waa kuwa yiraahda, “Rabbiyow! Naga sii afooyinkayaga iyo ubadkayaga wax aan ku indho qabawsanno, oo nooga yeel kuwa ka dhawrsada xumaha oo kuwa ku fartooma amarradaada tusaale ay ku daydaan.”
  75. Kuwaas waxaa lagu abaal marin doonaa meesha u sarraysa [Jannada gudaheeda] sabarkoodii dartiis, oo waxay kala kulmi doonaan dhexdeeda [Jannada] salaan iyo soo dhawayn.
  76. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda, wanaagsanaa rug iyo raas ahaanba!
  77. Ku dheh [Muxammadow gaalada], “Dan idiin ma galeen Rabbigay haddii aydaan barideen, haatanse dhabtii waad beeniseen [xaqii Nabi Muxammad iyo Qur’aanka loo soo waxyooday], marka cadaabtii waxay ahaan doontaa mid idiin laazimi ah.”

Suuradda 26aad: Ash-Shucaraa [Gabyaayada]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Taa Siin Miim [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah kaliya baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Kuwakani waa aayadaha Kitaabka iska cad.
  3. Waa intaasoo aad [Muxammadow] la halaagto naftaada inaysan [xaqa] rumayn darteed oo noqon mu’miniin.
  4. Haddii aan doonno waxaan uga soo dajin karnaa cirka calaamo, ay ahaadaan luqumahooda kuwo u khuduuca.
  5. Oo uma yimaado waano [Qur’aan] oo ka yimid xagga Naxariistaha [Allaah] oo waxyi soo kororay ah oo cusub, bal waa kuwii ka jeesada.
  6. Waxay dhabtii beeniyeen [Qur’aankan], waxaase u imaan doona wararka wixii ay ku jees-jeesayeen.
  7. Mawaysan arkayn dhulka, intee baan kasoo bixinnay dhexdiisa dhir nooc walba oo wanaagsan leh?
  8. Waxaa xaqiiqdii tani gudaheed ku sugan calaamo [xujo, caddayn] oo ma aha badankoodu kuwo rumaynaya.
  9. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa waa isaga awood badanaha, naxariista badan.
  10. Oo [xus] markii uu Rabbigaa u dhawaaqay Muusaa [Isagoo leh], “U tag qawmka ah daalimiinta.”
  11. “Qawmka Fircoon, mawaysan ka dhawrsanayn [shirkiga iyo macaasida]?”
  12. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Rabbiyow! Waxaan ka cabsanayaa inay i beeniyaan,”
  13. “Oo ay ciriiryoonto laabtaydu, oo uusan wax u caddayn carrabkaygu si wanaagsan, ee dir [la jirkay] Haaruun.”
  14. “Oo waxay igu haystaan danbi, waxaana ka cabsanayaa inay i dilaan.”
  15. [Allaah] wuxuu yiri, “Ma jirto! Ee la taga Aayadahayaga, Annaga baa idin la jiraa oo idin maqlayna.”
  16. “Ee u taga Fircoon oo ku dhahaya, ‘Innagu waxaannu nahay rususha Rabbiga uumanka.”
  17. “Ee u oggolow inay na raacaan reer Banii Israa’iil.”
  18. [Fircawn] wuxuu ku yiri [Muusaa], “Ma waannaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? Oo aadan nala joogin qayb ka mid ah cimrigaaga sanooyin?”
  19. “Oo waxaad fashay falkaagii aad fashay [danbiga ah inaad dishay nin], oo waxaad adigu ka mid tahay abaal laawayaasha.”
  20. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Waxaan falay fal anigoo ka jaahil ah [xagga Rabbigay iyo dhambaalkiisa].”
  21. “Markaas baan idin ka cararay markii aan idin ka cabsaday, markaasuu Rabbigay isiiyay xukum [cilmi, hanuun iyo nabinnimo], oo iga dhigay mid kamid ah rususha.”
  22. “Tanise abaalkii hore aad iigu lib-sheeganayso, [ma nicmo aad iigu lib sheegataa] marba haddii aad addoonsatay reer Banii Israa’iil.”
  23. Fircoon wuxuu yiri, “Oo muxuu yahay Rabbiga caalamka?”
  24. Muusaa wuxuu yiri, “Waa Rabbiga cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya, haddii aad wax yaqiinsanaysaan.”
  25. Fircoon wuxuu ku yiri kuwii hareera joogay, “War ma maqlaysaan [waxa uu leeyahay]?”
  26. [Muusaa] wuxuu yiri. “Waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.”
  27. Fircoon wuxuu yiri, “Xaqiiqdii, rasuulkiinna la idiin soo diray waa waalan yahay.”
  28. [Muusaa] wuxuu yiri, “Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka, haddii aad wax garanaysaan.”
  29. Fircoon wuxuu yiri, “Haddii aad yeelato ilaah qayrkay ah, waxaan kaa mid yeelayaa inta xiran.”
  30. Muusaa wuxuu yiri, “Ma xitaa haddii aan kuula imaado wax cad?”
  31. Fircoon wuxuu yiri, “La imow haddii aad run sheegayso.”
  32. Markaas buu [Muusaa] tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda!
  33. Oo wuxuu soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad kuwa eegaya!
  34. [Fircoon] wuxuu ku yiri duqaydii hareera joogtay, “Xaqiiqdii kanu waa saaxir xeel dheer.”
  35. “Wuxuu rabaa inuu idiin ka saaro dhulkiinna sixirkiisa ee maxaad ku talinaysaan?”
  36. Waxay yiraahdeen, “Dib u dhig isaga iyo walaalkiiba [xaalkooda in yar] oo u dir magaalooyinka kuwo wax soo kulmiya.”
  37. “Kuu keena saaxir kasta oo xeel dheer.”
  38. Markaas baa la isugu soo kulmiyay saaxiriintii madal maalin la yaqaan.
  39. Oo waxaa lagu yiri dadkii, “Idinkuna isu soo kulma,”
  40. “Si aan u raacno saaxiriinta haddii ay adkaadaan!”
  41. Markii ay yimaadeen saaxiriintii, waxay ku yiraahdeen Fircoon, “Ma leennahay ujro haddii aan innagu adkaanno?”
  42. Wuxuu [Fircoon] yiri, “Haah, oo xaqiiqdii idinku markaas waxaad kamid ahaanaysaan kuwo iga ag dhow.”
  43. Wuxuu [Muusaa] ku yiri, “Tuura waxaad idinku tuuraysaan!”
  44. Markaas bay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii, oo yiraahdeen, “Waa nagu sharafta Fircoon, waa innaga xaqiiqdii kuwa hubaashii adkaan doona.”
  45. Markaas buu tuuray Muusaa ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday wixii ay been maleegeen.
  46. Oo waxaa loo riday saaxiriintii oo la dhaceen sujuud.
  47. Waxay yiraahdeen, “Waxaynu rumaynnay Rabbiga uumanka.”
  48. “Rabbiga Muusaa iyo Haaruun.”
  49. Wuxuu [Fircoon] yiri, “Ma waxaad rumayseen [Muusaa] kahor intii aanan idiin idmin? Hubaashii isagu waa kii idiin ku waynaa oo idin baray sixirka. Waadse ogaan dontaan wallee, waxaan u goyn doonaa gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf, oo idin daldali doonaa dhammaantiin.”
  50. Waxay yiraahdeen, “Dhib ma laha! Hubaashii innagu xagga Rabigayo [Allaah] baynu u noqonaynaa.”
  51. “Waxaannu innagu rajaynaynaa inuu noo dhaafo Rabbigayo gafafkayaga, inaan noqonnay kuwii u horreeyay ee [Xaqa] rumeeya.”
  52. Oo waxaannu u waxyoonnay Muusaa annagoo leh, “Guuraysii addoomahayga habeennimo, xaqiiqdii waa la idiin soo daba gali doonaaye.”
  53. Markaas buu Fircoon diray kuwa soo kulmiya magaalooyinkii [askartii iyo duqaydii iyo waziiradiisii].
  54. [oo ka dhex dhawaaqay isagoo leh] “Kuwakanu waa koox yar,”
  55. “Oo way na caro galiyeen,”
  56. “Oo waxaan innagu dhammaan nahay kuwo had iyo jeer digtoon.”
  57. Markaas baan ka saarnay beero iyo ilo.
  58. Iyo maaliyad iyo maqaam wanaagsan.
  59. Waa sidaase oo waxaan dhaxal siinnay ilmihii Israa’iil.
  60. Markaas bay ka daba baxeen goor qorrax soo bax ah.
  61. Markii ay isu muuqdeen labadii ciidan, waxay yiraahdeen asxaabtii Muusaa, “Waa layna haleelay.”
  62. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Ma jirto, waxaa ila jira Rabbigay, oo itilmaami doonaa.”
  63. Markaas baan u waxyoonnay Muusaa [annagoo leh], “Ku dhufo badda ushaada,” waana ay kala dhanbalantay baddii, oo qayb walba waxay noqotay sida buur wayn.
  64. Oo waxaan kusoo dhawaynay halkaa kuwii kale [qoladii Fircoon].
  65. Oo waxaannnu badbaadinnay Muusaa iyo intii lajirtay dhammaan.
  66. Kaddibna waxaan hafinnay kuwii kale.
  67. Waxaa xaqiiqdii tani gudaheed ku sugan calaamo [xujo, caddayn, tusaale], oo ma aha badankoodu kuwo rumaynaya.
  68. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa waa Isaga awood badanaha, naxariista badan.
  69. Oo u aqri qisadii Ibraahiim.
  70. Markii uu ku yiri aabihi iyo qawmkiisii, “Maxaad caabudaysaan?”
  71. Waxay yiraahdeen, “Waxaan caabudnaa sanammo, oo aan goor waliba dul fadhinno [cibaado] ahaan.”
  72. [Ibraahiim] wuxuu yiri, “Oo miyay idin maqlayaan marka aad baryaysaan?”
  73. “Waxse ma idin tari karaan ama idin yeeli karaan?”
  74. Waxay yiraahdeen, “Mayee, waxaan hellay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya.”
  75. [Ibraahiim] wuxuu yiri, “Ma u jeeddaan waxaad caabudaysaan?”
  76. “Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba?”
  77. “Waa cadawgay oo col baan nahay, marka laga reebo Rabbiga uumanka.”
  78. “Ee ah kan i’abuuray, Isaga baana ihanuuninaya.”
  79. “Oo waa Isaga kan iquudiya ee iwaraabiya.”
  80. “Oo marka aan bukoodana, Isaga baa icaafiya,”
  81. “Oo ah kan idhinsiin doona, misna ii soo noolayn doona [mar kale];”
  82. “Oo ah kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gafkayga Maalinta Jaazaynta.”
  83. “Rabbiyow! Isii xukm [cilmi, hanuun, fahan wanaagsan, Nabinnimo], oo ihaleeshii kuwa suubban;”
  84. “Oo iigu reeb xus wanaagsan facyada dambe dhexdooda.”
  85. “Oo iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah.”
  86. “Oo u danbi dhaaf aabbahay, wuxuu kamid yahaye kuwa dhunsan.”
  87. “Oo ha‘idullayn Maalinta marka [uumanka oo idil] lasoo bixin doono.”
  88. Maalinta aysan wax tari doonin maal iyo carruur midna.
  89. Mid maahe ula yimaada Allaah qalbi fayow [ka fayow shirki iyo wixi lamida].
  90. Oo waxaa loo soo dhawayn doonaa Jannada kuwa xumaha ka dhawrsada.
  91. Oo loo muujin doonaa Naarta kuwa habawsan.
  92. Waxaana lagu oran doonaa, “Meeye waxaad caabudayseen?”
  93. “Allaah sokadi? Miyay idiin gargaari karaan, mase u gargaari karaan nafahooda?”
  94. Markaas baa waxaa loogu tuuri doonaa wajiwaji [Naarta] iyaga iyo kuwa
  95. Iyo askartii Ibliis oo dhanba.
  96. Waxay oran doonaan iyagoo ku murmaya dhexdeeda [Naarta],
  97. “Wallaahay waxaannu ahayn kuwo ku sugan baadi cad.”
  98. “Marka aan idin la sinnay Rabbiga uumanka.”
  99. “Oo manadhumin waxaan ahayn mujriimiinta [mushrikiinta, gaalada iyo wixi lamida].”
  100. “Haatan ma lihin wax garab na siiya.”
  101. “Iyo saaxiib dhaw midna.”
  102. “[Hahe!] Haddii nala siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno [dunidii] waxaan kamid ahaan lahayn mu’miniinta.”
  103. Xaqiiqdii! Tani gudaheed waxaa ku sugan calaamo, oo ma aha badankoodu kuwo rumaynaya.
  104. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa waa Isaga awood badanaha, naxariista badan.
  105. Waxay beeniyeen qawmkii Nuux rusushii.
  106. Markii uu ku yiri walaalkood Nuux, “Ma waydaan ka dhawrsanayn [shirkiga iyo macaasida]?”
  107. “Anigu waxaan idiin ahay rasuul aamin ah.”
  108. “Ee ka cabsada Allaah oo i’adeeca.”
  109. “Oo idin ku waydiisan maayo wax ujro ah [fidinta Diinta Allaah], ujuuradaydu waxaan ka sugayaa oo kaliya xagga Rabbiga uumanka.”
  110. “Ee ka cabsada Allaah oo i’adeeca.”
  111. Waxay yiraahdeen, “Ma adiga baan ku rumaynaynaa iyagoo ay ku raaceen kuwii u xumaa [dadka]?”
  112. Wuxuu yiri, “Oo maxaa i’ogaysiiyay waxa ay falaan?”
  113. “Xisaabtoodu waxaa leh oo kaliya Rabbigay, haddii aad wax garanaysaan.”
  114. “Oo anigu ma eryayo mu’miniinta.”
  115. “Oo ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad.”
  116. Waxay yiraahdeen, “Haddii aadan meel joogin Nuuxow waxaad hubaashii kamid noqon doontaa kuwa la dhagaxyeeyo [tan iyo geeri].”
  117. Wuxuu yiri, “Rabbiyow! Xaqiiqdii qawmkaygii waa ibeeniyeen.”
  118. Ee na kala xukun dhexdeenna aniga iyo iyaga, oo ibadbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu’miniinta ah.”
  119. Waana badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba doontii buuxday.
  120. Kaddibna waxaan hafinnay kuwii haray [gaaladii].
  121. Xaqiiqdii, tani gudaheed waxaa ku sugan calaamo, oo ma aha badankoodu kuwo rumaynaya.
  122. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa waa Isaga awood badanaha, naxariista badan.
  123. Waxay Caad beeniyeen rusushii.
  124. Markii uu ku yiri walaalkood Huud, “Ma waydaan [Allaah] ka cabsanayn?”
  125. “Xaqiiqdii! Waxaan idiin ahay rasuul aamin ah.”
  126. “Ee ka cabsada Allaah oo i’adeeca.”
  127. “Idin ku waydiisan maayo ujro [Islaamka], ujuuradaydu waxaan ka sugayaa oo kaliya xagga Rabbiga uumanka.”
  128. “Ma waxaad ka dhisaysaan meel kasta oo sare calaamo [daar] idinkoo iska dheelaya?”
  129. “Oo samaysataan dhismooyin [daaro wanaagsan] bal inaad waartaan.”
  130. “Oo markii aad wax ciqaabaysaan u ciqaabtaan si daran?”
  131. “Ee ka cabsada Allaah oo i’adeeca.”
  132. “Oo ka cabsada kan idin siiyay [waxyaalaha wanaagsan] aad ogtihiin.”
  133. “Idin siiyay xoolo iyo carruur.”
  134. “Iyo beero iyo ilo.”
  135. “Waxaan xaqiiqdii anigu idiin ka cabsanayaa [digayaa] cadaab maalin wayn.”
  136. Waxay yiraahdeen, “Waa isugu kaaya mid haddii aad na wacdido iyo haddii kaleba oo aadan na wacdin.”
  137. “Waxakanu ma’aha waxaan ahayn dabeecaddii [diintii] dadkii hore [oo laga tagay].”
  138. “Oo ma nihin kuwo la cadaabayo.”
  139. Waa ayna beeniyeen, markaas baan halaagnay. Xaqiiqdii tani gudaheed waxaa ku sugan calaamo, oo ma aha badankoodu kuwo rumaynaya.
  140. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa waa Isaga awood badanaha, naxariista badan.
  141. Waxay beenisay Thamuud rusushii.
  142. Markii uu ku yiri walaalkood Saalix, “Ma waydaan [Allaah] ka cabsanayn?”
  143. “Waxaan anigu idiin ahay rasuul aamin ah.”
  144. “Ee ka cabsda Allaah oo i’adeeca.”
  145. “Idin ku waydiisan maayo ujro [Islaamka], ujuuradaydu waxaan ka sugayaa oo kaliya xagga Rabbiga uumanka.”
  146. “Ma waxaa la idiin kaga tagayaa halkaan idinkoo aamin ah?”
  147. “Oo ku sugan beero iyo ilo.”
  148. “Iyo dalagyo iyo geedo timir khaylalkoodu jilicsan yihiin.”
  149. “Oo aad ka xoldhanaysaan guryo buuraha si xeel dheer oo farsamo leh.”
  150. “Ee ka cabsada Allaah oo i’adeeca.”
  151. “Oo ha raacina talada xadgudbayaasha.”
  152. “Ee ku fala fasahaad dhulka oo aan wax hagaajin.”
  153. Waxay yiraahdeen, “Waxaad tahay oo kaliya mid kamid ah kuwa sixran.”
  154. “Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, ee noo keen calaamo haddii aad run sheegayso.”
  155. Wuxuu yiri, “Tani waa hal, waxay u leedahay xaq inay cabto [biyo] maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan [biyo] maalin la yaqaan.”
  156. “Ee haku taabannina wax xumaan [dhib] ah, yaysan idin qabane cadaab Maalin Wayn.”
  157. Waase dileen, markaas bay noqdeen kuwo ka shallaaya.
  158. Waxaa qabtay cadaab, xaqiiqdii tani gudaheeda waxaa ku sugan calaamo, oo ma aha badankoodu kuwo rumaynaya.
  159. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa waa Isaga awood badanaha, naxariista badan.
  160. Waxay beeniyeen qawmkii Luud rusushii.
  161. Markii uu ku yiri walaalkood Luud, “Ma waydaan [Allaah] ka cabsanayn?”
  162. “Xaqiiqdii waxaan anigu idiin ahay rasuul aamin ah.”
  163. “Ee ka cabsada Allaah oo i’adeeca.”
  164. “Idin ku waydiisan maayo kani [Islaamka] ujro, oo ujuuradaydu waxaan ka sugayaa oo kaliya xagga Rabbiga uumanka.”
  165. “Ma waxaad u tagaysaan [galmoonaysaan] labka kamid ah uumanka [dadka],”
  166. “Oo aad ka tagaysaan waxa uu Rabbigiin [Allaah] idiin abuuray oo afooyinkiinna ah? Mayee, waxaad tihiin kuwa xadgudba.”
  167. Waxay yiraahdeen, “Haddii aadan meel joogin Luudow, xaqiiqdii waxaad kamid noqon doontaa kuwa dibadda loo saaro.”
  168. Luud wuxuu yiri, “Anigu dhabtii camalkiinnaan [xumi] [ee khaniisnimada ah] waxaan ku jiraa inta diiddan oo neceb.”
  169. “Rabbiyow! Iga badbaadi aniga iyo ehelkaygaba waxa ay falayaan.”
  170. Markaas baan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan.
  171. Habar duqowday [xaaskiisii] ma ahee oo ku hartay gadaal [cadaabka].
  172. Oo baabbi’innay intii kale.
  173. Oo waxaannu kusoo daynay roob [dhagxaan naar ah], xumaa roobka kuwa loo digay.
  174. Xaqiiqdii tani gudaheed waxaa ku sugan calaamo, oo ma aha badankoodu kuwo rumaynaya.
  175. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa waa isaga awood badanaha, naxariista badan.
  176. Waxay beeniyeen reer Hawdkii [dadkii Madyan] rusushii.
  177. Markii uu ku yiri Shucayb, “Ma waydaan [Allaah] ka cabsanayn?”
  178. “Xaqiiqdii waxaan anigu idiin ahay rasuul aamin ah.”
  179. “Ee ka cabsada Allaah oo i‘adeeca.”
  180. “Idin ku waydiisan maayo kani [Islaamka] wax ujro ah, ujuuradaydu waxaan ka sugayaa oo kaliya xagga Rabbiga uumanka.”
  181. “Oofiya [dhammaystira] beegidda oo ha noqonnina kuwa naaqusiya.”
  182. “Oo wax ku miizaama miizaan toosan.”
  183. “Oo haka dhimina dadka waxyaalahooda, oo ha ku bi’innina [hallaynina] arlada ku falid fasahaad.”
  184. “Oo ka cabsada Kan idin abuuray idinka iyo uumankii horaba.”
  185. Waxay yiraahdeen, “Waxaad tahay oo kaliya mid kamid ah kuwa sixran.”
  186. “Oo ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, waxaannuna qabnaa inaad tahay mid kamid ah beenlowyada.”
  187. “Ee nagu soo rid gabal samada ah haddii aad run sheegayso.”
  188. Wuxuu yiri, “Rabbigay baa og waxa aad falaysaan.”
  189. Oo way beeniyeen, waxaana qabtay cadaab maalintii hadhka [daruur madow], waxay ahayd cadaab Maalin Wayn.
  190. Xaqiiqdii, tani gudaheed waxaa ku sugan calaamo, oo ma aha badankoodu kuwo rumaynaya.
  191. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa waa Isaga awood badanaha, naxariista badan.
  192. Oo xaqiiqdii, kani [Qur’aankani] waa soo dajinta Rabbiga uumanka.
  193. Waxaa kulasoo dagay Ruuxa aaminka ah [Jibriil].
  194. Qalbigaaga [Muxammadow] si aad uga mid noqoto digayaasha.
  195. Isagoo af Carabi cad ah.
  196. Oo xaqiiqdii kani [Qur’aankani iyo kusoo dajintisa Nabi Muxammad wuxuu ku qoran yahay oo la isku ogaysiiyay] Kutubtii [yacni Tawraaddii iyo Injiilkii] dadkii hore.
  197. Mawaysan calaamo ugu fillayn inay ogaayeen [inuu xaq yahay] culimadii Banii Israa’iil?
  198. Oo haddii aan kusoo dajin lahayn [Qur’aankan] cajamiga qaarki.
  199. Oo uu ku dul aqriyi lahaa, ma ay rumeeyeen.
  200. Sidaas baan ugalinnay [beeninta Qur’aanka ama diiddada xaqa] qalbiyada mujrimiinta [mushrikiinta, gaalada iyo wixi lamida].
  201. Ma rumaynayaan jeer ay arkaan cadaabka xanuunka badan.
  202. Oo ugu imaan doonta kedo, iyagoo aan filayn.
  203. Markaas bay waxay oran doonaan, “Ma naloo sugi karaa?”
  204. Ma cadaabtayada bay dagdagsanayaan?
  205. Bal ka warran haddii aan u raaxayno sanooyin.
  206. Oo u yimaado [cadaabkii] loo yaboohayay.
  207. Waxba uma tari doonaan wixii loogu raaxaynayay.
  208. Oo ma halaagno magaalo annagoon marka hore u dirin digayaal.
  209. Waano darteed, oo ma nihin daalimiin.
  210. Oo ma aha shaydaammada kuwa soo dajiyay [Qur’aankan].
  211. Oo uma habboona, mana awoodaan [inay isagoo kale keenaan].
  212. Xaqiiqdii, waa kuwo laga fogeeyay maqalkiisa.
  213. Ee hala baryin Allaah ilaah kale yaadan kamid noqone kuwa la cadaabayo.
  214. Oo u dig [Muxammadow] qaraabada ku sii dhow.
  215. Oo uraarici garabkaaga [u’ahaw mid u naxariis badan oo unugul] ciddii ku raacda oo mu’miiinta ah.
  216. Haddiise ay ku caasiyaan dheh, “Anigu barii’ baan ka ahay waxa aad falaysaan.”
  217. Oo talo saaro awood badanaha, naxariista badan.
  218. Kan ku arka [Muxammadow] marka aad u kacdid [kaligaa habeenkii si aad u tukatid salaatu laylka tahajjudka].
  219. Iyo gadgaddoonkaaga dhexdooda kuwaa ula dhaca sujuudda [la jirkaa xagga Allaah shanta salaadood gudahood ee ku faralka ah ragga inay jamaaca ahaan ugu tukadaan masaajidda].
  220. Xaqiiqdii [Allaah] waa maqal badanaha, cilmiga badan.
  221. Ma idiin ka warramaa [dadow] kuwee bay kusoo dagaan shaydaammadu?
  222. Waxay ku soo dagaan beenaale kasta oo danbi badan.
  223. Ee unugul maqal ahaan [shaydaammada] badankooduna waa beenlawyo.
  224. Oo gabyaayada waxaa raaca kuwa habawsan.
  225. Sow ma aad arkin inay bayd kasta ku wareegayaan [waa ku amaanidda qolooyin kale run ama been] gabayadooda?
  226. Iyo inay yiraahdaan waxaysan falayn.
  227. Marka laga reebo kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, oo xusa Allaah wax badan, oo uga jawaaba [gabay ahaan] gabayada gafka iyo dulmiga ah [oo ay gabyaayadu gaalada ahi ka tiriyaan lidka Muslimiinta]. Oo waxay ogaan doonaan kuwa fala dulmiga rogmasho noocee ah bay rogmi doonaan!

Suuradda 27aad: An-Namli [Quraanyada]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Daa Siin [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah kaliya baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo], kuwaanu waa aayadaha Qur’aanka iyo kitaab iska cad.
  2. Waa u hanuun iyo bishaaro mu’miniinta.
  3. Kuwa u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya zakada, oo iyagu Aakhiro kuwo yaqiinsan ah.
  4. Xaqiiqdii, kuwa aan rumaysnayn Aakhirada, waxaan u qurxinnay camalladooda, waana ku jaha wareersan yihiin.
  5. Kuwaasu waa kuwa ay u sugnaatay cadaab xun [adduunkan], Aakhiradana iyaga uun baa aad u khasaaray.
  6. Oo xaqiiqdii, adiga [Muxammadow] wuxuu kaaga yimaadaa Qur’aankaan xagga Midka ah xikmad badanaha, cilmiga badan.
  7. [Xus] markii uu Muusaa ku yiri ehelkiisa, “Anigu waxaan arkaa dab, waxaan idiin ka keeni doonaa war ama waxaan idiin ka keeni doonaa dhimbilo dhab ah si aad u kulaashaan.”
  8. Markiise uu u yimid, waa loo dhawaaqay, “Waa la barakeeyay waxa dabka jooga iyo waxa hareera joogaba, oo waxaa nazahan Allaah, Rabbiga uumanka.”
  9. “Muusow! Waa Aniga Allaah, awood badanaha, xikmadda badan.”
  10. “Ee tuur ushaada!” Markiise uu arkay jyadoo dhaq-dhaqaaqaysa sida mas, buu dib isu gaddiyay isagoo carar ah, soo mana jalleecin gadaal. [Waxaa la yiri] “Muusow! Ha cabsan, xaqiiqdii Anigu kuma cabsadaan agtayda rusushu.”
  11. “Mid maahee dulmi fala markaas wanaag ku baddala xumaan kaddib, markaa Anigu waxaan ahay danbi dhaaf badane, naxariis badan.”
  12. “Oo gali gacantaada goshaada, waxay soo bixi doontaa durbaba caddaan cudur la’aan. [kuwakani waa] qaar ka mid ah sagaalka calaamood [aad ula tagi doonto] Fircawn iyo qawmkiisa, waa qawm ah faasiqiin e.”
  13. Markiise ay u yimaadeen Aayadahayaga cad, waxay yirhaadeen, “Waxakani waa sixir iska cad.”
  14. Oo waa diideen Aayadahaa dulmi iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen oo ku qanceen, ee fiiri sida ay ahayd ciribtii mufsidiinta.
  15. Oo waxaannu dhabtii siinnay Daawuud iyo Sulaymaan cilmi, waxayna yiraahdeen, “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, kan naga kor mariyay in badan oo kamid ah addoomahiisa mu’miniinta ah.”
  16. Oo wuxuu dhaxlay Sulaymaan [aqoontii iyo xikmaddii] Daawuud, oo wuxuu yiri, “Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, oo waxaa wax nalaga siiyay wax walba. Waxakanu xaqiiqdii waa fadli iska cad [oo xagga Allaah ah].”
  17. Oo waxaa loo soo kulmiyay Sulaymaan askartiisii oo jin, insi iyo shimbiraba leh iyagoo la isu horayo.
  18. Ilaa markii ay yimaadeen toggii quraanyada, mid kamid ah quraanyada baa waxay tiri, “Quraanyoy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn.”
  19. Markaas buu [Sulaymaan] muusooday, isagoo ku qoslaya hadalkeeda oo yiri, “Rabbiyow! Isolansii inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad nagu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan falo camallo wanaagsan oo aad ka raalli tahay, oo igu dhex gali Naxariistaada addoomahaaga suubban dhexdooda.”
  20. Oo wuxuu kormeeray shimbirihii, wuxuuna yiri, “Maxaa dhacay oo aan u arki waayay hud-hudkii, mise ma wuxuu kamid yahay kuwa maqan?”
  21. “Waxaan hubaashii cadaabi doonaa cadaab daran ama waa gawrici doonaa haddii uusan ii keenin xujo cad.”
  22. Mase maqnaan hud-hudkii wax badan, [oo waa uu yimid oo] yiri, “Waxaan soo koobay [ogaalka wax] aadan koobin oo waxaan kaaga keenay Saba’ war la hubo.”
  23. “Waxaan soo helay haweenay boqorad u ah oo la siiyay wax walba [uu lahaan karo boqor kasta oo ka taliya arlo], oo waxay leedahay carshi wayn.”
  24. “Waxaan soo helay iyada iyo qawmkeeda oo usujuudaya qorraxda Allaah sokadi, oo wuxuu u qurxiyay Shaydaan camalladooda, oo ka duway jidka [toosan], mana hanuunsana.”
  25. “May u sujuudaan Allaah Kan usoo saara dibadda waxa ku qarsoon cirarka iyo dhulka, ee ogsoon waxa aad qarinaysaan iyo waxa aad muujinaysaanba?”
  26. Allaah, ma jiro ilaah xaq ah aan Isaga ahayn, Rabbiga Carshiga wayn.
  27. [Sulaymaan] wuxuu yiri, “Waan arki doonnaa inaad run sheegayso ama aad tahay [mid] kamid ah beenlawyada.”
  28. “La tag waraaqdaydaan oo udhiib, oo kasoo laabo, oo fiiri wixii ay [jawaab] soo celiyaan.”
  29. Waxay tiri, “Duqoyahay! Xaqiiqdii waxaa la iigu dhiibay halkaan waraaq sharaf leh.”
  30. “Waxay ka timid Sulaymaan, [waxaa ku yaal]: Ku [billaabid] magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.”
  31. “Ha iska kay waynaynina oo ii imaada idinkoo Muslimiin ah [hoggaansan].”
  32. Waxay tiri, “Duqoyahay! Iga siiya talo arrinkaygaan, anigu ma gooyo talo jeer aad goob joog tihiin.”
  33. Waxay yiraahdeen, “Waxaannu innagu nahay kuwo xoog badan oo dagaal yahaniin daran ah, amarkase adigaa leh, ee ka fiirso waxa aad amrayso.”
  34. Waxay tiri, “Xaqiiqdii boqorradu markii ay ku galaan magaalo [xoog] waa kharribaan, oo ka yeelaan ehelkeeda sharafta leh kuwa dullaysan.” Sidaas bayna falaan.
  35. “Waxaanse u dirayaa hadiyad oo eegayaa waxa ay [jawaab] lasoo noqdaan ergaydu [kuwa la diray].”
  36. Markii [ay ergadii oo sida hadiyadda] u yimaadeen Sulaymaan, wuxuu yiri, “Ma waxaad isiinaysaan maal? Waxa uu isiiyay Allaah baa ka khayr badan waxa uu idin siiyay. Mayee, waxaad ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna.”
  37. [Markaas buu Sulaymaan ku yiri madaxii wafdigi ay soo dirtay ee keenay hadiyadda], “Ulaabo, waxaan xaqiiqdii ula imaan doonnaa ciidan aysan tabar u lahayn [ka hortagi karin], oo waxaan ka saari doonnaa halkaa iyagoo dullaysan oo hoos ah.”
  38. Wuxuu [Sulaymaan] yiri, “Duqoyahay! Kiinnee baa ii keeni kara carshigeeda inta aysan ii imaan iyagoo hoggaansan?”
  39. Cifriit [mid xoog badan] oo kamid ah jinka baa wuxuu yiri, “Aniga baa kuu keenaya inta aadan ka kicin meeshaada [golaha], waxaan ahay mid xoog u leh oo aamin ah.”
  40. Wuxuu yiri mid haystay cilmi Kitaabka ah, “Aniga baa kuugu keenaya ishaada laabiddeeda horteed [il biriqsi gudaheed].” Markii uu [Sulaymaan] arkay isagoo hortiisa yaal [carshigeedii] buu yiri, “Kani waa fadliga Rabbigay si uu ii imtixaano inaan ku shukrinayo mise ka abaal dhacayo, kii shukriya wuxuu u shukrinayaa naftiisa [oo dan u tahay], oo kii abaal dhaca hubaashii Rabbigay waa Qani [aysan jirin cid iyo wax uu u baahan yahay] deeq badan.”
  41. Wuxuu yiri, “Dooriya carshigeeda si aan u aragno bal inay aqoonsato, mise waxay ka mid noqon doontaa kuwa aan aqoonsan doonin carshigeeda.”
  42. Markii ay timid baa waxaa lagu yiri, “Ma sidan baa carshigaagu?” Waxay tiri, “Waxaad mooddaa isagii.” [Sulaymaan wuxuu yiri], “Waxaana nala siiyay cilmi horteed, waxaannu nahay Muslimiin.”
  43. Oo waxaa iyada ka jeediyay [Islaamka] wixii ay caabudaysay Allaah sokadi, waxayna kamid ahayd qawm gaalo ah.
  44. Waxaa lagu yiri, “Gal Daarta [sar qarsho ah oo biyo hoosteedu tahay ama qasri wayn],” markiise ay aragtay waxay moodday mool, [waxayna yari kor usoo qaadday maryaheedii] oo faydatay dhudhummaheedii; Sulaymaan wuxuu yiri, “Waa sar sulub ah oo qarsho ah.” Waxay tiri “Rabbiyow! Waxaan dulmiyay naftayda, waxaana isu dhiibay la jirka Sulaymaan Allaah, Rabbiga uumanka.”
  45. Oo Waxaan dhabtii u dirnay Thamuud walaalkood Saalix, isagoo leh, “Caabuda Allaah [kaliya],” waxayse noqdeen labo kooxood [gaalo iyo mu’miniin] oo doodaya.
  46. Wuxuu [Saalix] yiri, “Qawmkayow! Maxaad u dagdagsanaysaan xumaanta [cadaabta] ka hor samaanta [naxariista Allaah]? Ma aadse waydiisataan danbi dhaafka Allaah, bal inuu idiin naxariisto?”
  47. Waxay yirahdeen, “Waa ku sharaysannay adiga iyo waxa kula jiraba.” Wuxuu yiri, “Sharaysigiinnu waa xagga Allaah, mayee waxaad tihiin qawm la imtaxaanay.”
  48. Oo waxaa joogay magaalada sagaal nin [oo ah wiilashii madaxdoodii], oo ku fala fasahaad dhulka, oo aan hagaajin.
  49. Waxay yiraahdeen, “Isku dhaarsada Allaah inaan mirro isaga [Nabi Saalix] iyo ehelkiisaba, markaas aan ku oranno qaraabadiisa dhaw, ‘Maa aannu joogin meesha uu ku halaagsamay ehelkiisu, waxaana sheegaynaa run.’”
  50. Oo waxay qooleen qool, Annaguna waxaan qorshaynnay qorshe [tab], iyagoo aan dareemayn.
  51. Ee fiiri sida ay ahayd ciribtii dhagartoodu. Xaqiiqdii! Innagu waan baabbi’innay iyaga iyo qawmkoodii oo dhanba.
  52. Kuwakanu waa guryahoodii iyagoo maran oo burbur muuqda ku sugan dulmigoodii darti, Xaqiiqdii, tani gudaheeda waxaa ugu sugan aayad [calaamo] qawmkii wax garanaya.
  53. Oo Waxaannu badbaaddinnay kuwii rumeeyay oo ka dhawrsanayay xumaha.
  54. Oo [xus] Luud markii uu ku yiri qawmkiisii, “Ma waxaad la imanaysaan Faaxisha [xumaan, galmood aan bannaanayn, khaniisnimo, iyo wixi lamida] idinkoo arkaya [midkiin oo kan kale ku falaya wax xille oo xun gabbasho la’aan, oo si bareer iyo caddaan ah]?”
  55. “Ma waxaad u tagaysaan ragga idinkoo u hawoonaya halkii haweenka? Mayee waxaad tihiin qawm makas ah.”
  56. Ma ahayn jawaabtii qawmkiisa waxaan ahayn inay yiraahdeen, “Ka saara reer Luud magaaladiinna, waa dad is daahirine.”
  57. Markaas baan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, marwadiisii maahee, Waxaan qaddarnay inay kamid ahaato kuwa ku haray gadaal [oo la halaagay]
  58. Oo Waxaannu kusoo daadinnay korkooda roob [dhagaxyo naar ah], xumaa roobka kuwa loo digay!
  59. Dheh [Muxammadow], “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, oo nabad ha ahaato addoomahiisa korkooda uu u doortay [gaarsiinta fartiintiisa]. Ma Allaah baa wanaagsan, mise kuwa ay la wadaajiyaan cibaadada shariikyo ahaan?” [Dabcan Allaah baa wanaagsan!]
  60. Ma Kan [Allaah] ee abuuray cirarka iyo dhulka, oo idiin kasoo dajiyay biyo [roob] xagga cirka, oo aan kusoo bixinnay beero cajab leh oo bilic iyo barwaaqo badan [miyaa wanaagsan mise waxa aad caabudaysaan Allaah sokadi]? Ma aha wax aad kartaan inaad soo saartaan geedahooda, ma waxaa jira ilaah wehliya Allaah? Mayee waa qawm lunsan oo usameeya Allaah waxay la mataal dhigaan.
  61. Mise [waxaa wanaagsan] Kan [Allaah] ee ka dhigay dhulka wax sugan oo ka yeelay wabiyo dhexdiisa, oo u yeelay buuro sugan, oo yeelay xannib dhexdooda labada badood [tan biyaha dhanaan iyo tan biyaha macaan], ee ma waxaa jira ilaah wehliya Allaah? Mayee badankood waa qawm aan wax ogayn.
  62. Mise Kan ajiiba dhibbanaha markii uu baryo oo ka fayda xumaanta, oo idin ka yeelay kuwa u hara [oo isku baddala] dhulka. Ma waxaa jira ilaah wehliya Allaah? Yaraa inta aad waansamaysaan!
  63. Mise Kan idin tilmaama marka aad ku dhex jirtaan mugdiyada barriga iyo badda oo ah Kan soo dira dabaylaha ceelalyo ahaan bishaara sida ka horreeya raxmaddiisa [roobka]? Ma waxaa jira ilaah wehliya Allaah? Waa ka sarreeyaa Allaah waxa ay la wadaajinayaan cibaadada.
  64. Mise Kan askuma uunka, oo soo celin doona [nolol galin doona mar kale waqtiga kasoo bixinta iilka ee Qiyaamaha], oo ah Kan idinka irzaaqa cirka iyo dhulka? Ma waxaa jira ilaah wehliya Allaah? Dheh, “Keena xujadiinna haddii aad run sheegaysaan.”
  65. Dheh, “Ma jiraan wax og waxa ku sugan cirarka iyo dhulka oo ġaybka ah [waxa qarsoon ee aan muuqan] Allaah ma’ahee, oo ma jiraan wax og oo garan kara goorta lasoo bixin doono [Qiyaamo]?”
  66. Mayee, uma ay laha wax cilmi ah Aakhirada. Mayee, waxayba ka qabaan shaki, oo waa ay ka indha la’ yihiin.
  67. Oo waxay yiraahdeen kuwii gaaloobay, “Ma marka aan noqonno ciid, innaga iyo aabbayaashayo, miyaa nala soo bixin doonaa [mar kale]?”
  68. “Waxaa dhabtii naloo yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan ahayn sheekooyinkii kuwii hore.”
  69. Dheh [Muxammadow], “Ku socda dhulka oo fiiriya sida ay ahayd ciribtii danbiilayaasha.”
  70. Oo ha u murugoon, oo ha la ciriiryoomin waxa ay qoolayaan darteed.
  71. Oo waxay oran doonaan [gaaladu], “Waa goorma yaboohakani haddii aad run sheegaysaan?”
  72. Dheh, “Waxaa suurowda inay yihiin wax dhaw oo gadaashiinna ah qaar kamid ah waxa aad rabtaan in lasoo dadajiyo.”
  73. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa waa u roon yahay dadka, laakiinse dadku badankiisu ma mahad naqaan.
  74. Oo xaqiiqdii, Rabbigaa waa og yahay waxa ay qarinayaan laabahoodu iyo waxa ay muujinayaanba.
  75. Oo ma jiro wax ku qarsoon cirka iyo dhulka oo aan ku qornayn Kitaab cad [Lawxul Maxfuud].
  76. Wuxuu xaqiiqdii Qur’aakani uga warramaa ilmihii Israa’iil badi waxa ay isku hayeen oo isku khilaafsanaayeen.
  77. Oo xaqiiqdii [Qur’aankan] waa u hanuun iyo naxariis mu’miniinta.
  78. Xaqiiqdii Rabbigaa wuxuu ku kala xukumi doonaa dhexdooda iyaga [xizbiyada, kooxaha iyo dariiqooyinka kala duwan] xukumkiisa, waana Isaga awood badanaha, cilmiga badan.
  79. Ee tala saaro Allaah, xaqiiqdii adigu [Muxammadow] waxaad ku taagan tahay Xaq cad.
  80. Adigu wax ma maqalsiin kartid maytida [uma hanan kartid wax dheef ama dhib ah, waana sidaa oo kale gaalada] oo ma maqashiin kartid kuwa dhagaha la’ dhawaaqa marka ay tagaan oo dhabarka jeediyaan.
  81. Oo ma tihid mid ka toosin kara indhoolayaasha baadidooda, waxaad oo kaliya wax maqalsiin kartaa kuwa rumaysan aayadahayaga ee iyagu Muslimiinta ah [uhoggaansan Allaah].
  82. Oo marka uu ku dhaco korkooda qawlka [cadaabka], Waxaan ugasoo bixin doonnaa dhulka Daabbad la hadlaysa inay dadku yihiin kuwo aan aayadahayaga yaqiinsanayn.
  83. [Oo xus] Maalinta aan kasoo kulmin doonno ummad walba koox ah kuwii beeniyay aayadahayaga, [markaasna] iyagu [dhammaan] la isugu soo kulmin doono [oo loo soo kaxayn doono goobta maxsharka xisaabta].
  84. Marka ay yimaadaanna [Rabbigood hortiis goobta maxsharka_is-xisaabinta] Wuxuu ku oran doonaa, “Ma waxaad beeniseen aayadahaygii idinka oo aydaan ku koobin cilmi, maxaadse fali jirteen?”
  85. Oo waxaa ku dhici doona Qawlkii [cadaabka] dulmigoodii darti, mana hadlayaan.
  86. Mawaysan arkayn inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan maalintana iftiin? Xaqiiqdi tani gudaheed waxaa ugu sugan aayado [tusaalooyin] qawmkii rumaynaya.
  87. Oo [xus] Maalinta Suurka la afuufi doono oo ay naxdin la dhici doonaan waxa jooga cirarka iyo waxa jooga dhulka korkiisa wixii maahee Allaah uu doono [oo ka cafiyo], kulligoodna waxay u imaan doonaan [Allaah] iyagoo dullaysan.
  88. Oo waxaad arkaysaa buurihii oo aad mooddo wax adag oo sugan, iyadoo socoto sida daruuraha, waa Sancada Allaah Kan hagaajiyay wax walba. Xaqiiqdii [Allaah] waa u xog ogaal waxa aad falaysaan.
  89. Kii la yimaada wanaag [iimaan iyo camal wanaagsan] wuxuu leeyahay wax ka khayr badan ajar ahaan, oo iyagu naxdinta Maalintaas waa ka aamin.
  90. Kiise la yimaada [shirki iyo macaasi] waxaa loogu tuuri doonaa [af gambi] wajiyadooda Naarta [waxaana lagu oran doonaa], “Ma waa la idinku jaazeeyaa waxaan ahayn wixii aad camal fali jiteen?”
  91. Waxaa uun aniga [Muxammad] la i’amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan [Makka] ee ah Kan caagay oo iska leh wax walba, oo waxaa la i‘amray inaan ahaado mid kamid ah Muslimiinta [u hoggaansan Allaah].
  92. Iyo inaan aqriyo Qur’aanka, ee kii hanuuna wuxuu u hanuunay naftiisa, kiise habaaba ku dheh [isaga], “Anigu waxaan ahay oo kaliya mid kamida digayaasha.”
  93. Oo dheh [Muxammadow], “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah. Wuxuu idin ka tusi doonaa aayadihiisa [calaamooyinkiisa, nafahiinna iyo kawnka ama cadaabihiisa, iyo wixi lamida] waana garan doontaan, oo Rabbigaa ma mooga waxa aad falaysaan.”

Suuradda 28aad: Al-Qasas [Qisooyinkii]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Daa Siin Miim [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah kaliya baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Kuwakani waa aayado kamid ah Kitaabka [Qur’aanka] ee cad.
  3. Waxaan kuugu aqrinaynaa wax kamid ah warkii Muusaa iyo Fircoon oo xaq ah, qawmkii rumaynaya.
  4. Xaqiiqdii Fircoon waa isku sare yeelay arlada oo ka yeelay dadkeedii qolooyin, isagoo dullaysanaya qolo kamid ah [ilmihii Israa’iil], gawracaya wiilashooda, isagoo u daynaya nolol dumarkooda si uu u adeegsado. Xaqiiqdii wuxuu ahaa mid kamid ah mufsidiinta.
  5. Oo Waxaannu doonnay inaan u samayno ixsaan kuwii lagu dullaysanayay dhulka, oo ka yeello hoggaamiyaal, oo aan ka yeello dhaxlayaasha.
  6. Oo aan awood ku siinno iyaga dhulka oo tusinno Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ka digtoonaayeen.
  7. Oo Waxaannu u waxyoonnay Muusaa hooyadi [Annagoo leh], “Nuuji isaga [Muusaa], markiise aad u cabsato, ku tuur wabiga, oo ha cabsan, hana murugoon. Xaqiiqdii, Annaga baa kuusoo celin, oo ka yeelayna mid kamid ah rusushayada.”
  8. Markaas baa waxaa soo qaatay reerkii Fircoon si uu ugu noqdo cadaw iyo [sabab u keenta] murugo. Xaqiiqdii, Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ahaayeen danbiilayaal.
  9. Oo waxay tiri marwadii Fircoon, “Waa il qabawsigeenna aniga iyo adigaba. Ha dilina, waa intaasoo uu na anfaco ama aan ka yeelanno wiil,” iyagoo aan dareensanayn [ciribteeda].
  10. Oo wuxuu noqday qalbigii Muusaa hooyadi faaruq ka maran [feker kasta aan ahayn Muusaa]. Waxay ku sigatay inay kashifto [arrinkiisa, waa in ilmahaa uu yahay wiilkeedii] haddii aanaan ku xajinneen qalbigeeda [iimaan], si ay uga mid ahaato mu’miniinta.
  11. Oo waxay ku tiri walaashiis, “Raac!” Markaas bay iyadu [walaashiis] ka dhawrtay meel fog si qarsoodi ah iyagoo aan dareemayn.
  12. Oo Waxaannu markii horaba u diidnay nuujiyooyinka [kale], jeer ay iyadii [walaashiis timid oo] tiri, “Ma idin tusaa reer idiin kafaala qaadaya, oo si daacad ah oo hufan u daryeelaya oo iyagu u roonaan doona?”
  13. Sidaas baan ugu soo celinnay hooyadiis si ay u il qabawsato oo u murugoon, oo u ogaato in yabooha Allaah xaq yahay, laakiinse dadka badankiisu ma oga.
  14. Oo markii uu tabargalay oo buuxsamay [nin ahaan], Waxaan siinnay xukmi [nabinnimo, xikmad, fahmo, garsoor wanaagsan] iyo cilmi, oo sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
  15. Oo wuxuu soo galay magaaladii goor ay war la’ yihiin dadkeedu, wuxuuna helay labo nin oo diriraya oo midi kamid yahay qoladiisa [diintiisa_kamid ahaa ilmihii Israa’iil] kan kalana ka tirsan yahay cadawgiisa, waxaana uga kaalmo warsaday ninkii qoladiisa xagga kii ahaa cadawgiisa, markaas buu Muusaa feeray mar kaliya oo kaw kaga siiyay. Muusaa wuxuu yiri, “Waxakanu waa camal Shaydaan, xaqiiqdii waa cadaw wax dhumiya oo cad.”
  16. Wuxuu Muusaa yiri, “Rabbiyow! Waxaan dulmiyay naftayda ee ii danbi dhaaf,” markaas buu u danbi dhaafay, xaqiiqdii Allaah waa Isaga danbi dhaaf badanaha, naxariista badan.
  17. Wuxuu Muusaa yiri, “Rabbiyow! Waxa aad iigu nicmaysay darteed, marnaba dib dambe uguma noqon doono caawiye danbiilayaasha.”
  18. Wuxuuna ku waabariistay magaalada isagoo cabsanaya, oo dhawraya magaalada [sugaya waxa ay noqon doonto ciribta iyo waxa ka dhalan danbiga uu galay ee ah inuu qof dilay] mise kii gargaarka warsaday shalay baa ugu dhawaaqanaya inuu usoo hiilliyo [mar kale]. Muusaa wuxuu ku yiri, “Adigu waxaad tahay baadiyeeye iska cad.”
  19. Markii uu doonay inuu qabto [oo wax yeelo] kii cadawga u ahaa, wuxuu [kii loo gargaarayay ama kii cadawgooda ahaa midkood] yiri, “Muusow! Ma waxaad doonaysaa inaad idisho sidii aad u dishayba naf [kale] shalay? Ma doonaysid waxaan ahayn inaad ka noqoto jujuubaa isla wayn arlada, oo ma doonaysid inaad kamid noqoto kuwa wax wanaajiya.”
  20. Oo waxaa ka yimid magaalada xaggeeda shishe nin rooraya, wuxuu yiri, “Muusow! Xaqiiqdii odayaashii [waziirradii] waxay u fadhiyaan shir adiga kugu saabsan oo ga’aansadeen inay ku dilaan ee baxso, waxaan anigu kuu ahay daacade.”
  21. Markaas buu ka baxay [magaaladii] isagoo cabsanaya oo digtoon, wuxuu yiri, “Rabbiyow! Iga badbaadi qawmka ah daalimiinta.”
  22. Markii uu ujihaystay xagga [arlada] Madyan, wuxuu yiri, “Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo jidka toosan.”
  23. Markii uu soo gaaray biyaha Madyan wuxuu ka helay halkaa koox rag ah oo waraabsanaya [xoolahooda], sokadoodana wuxuu ka helay labo haween ah oo horaya [xoolahooda]. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Muxuu xaalkiinnu yahay?” Waxay yiraahdeen, “Ma waraabinno [xoolaheenna] jeer ay raacatadu fulaan oo kaxaystaan [xoolahooda], aabbahayana waa oday wayn.”
  24. Markaasuu u waraabiyay [xoolahoodii], wuxuuna u jeestay oo aaday xagga meel har leh oo yiri, “Rabbiyow! Waxaad ii soo dajiso [oo isiiso] oo khayr ah waan u baahanahay.”
  25. Markaas bay utimid labadii gabdhood middood iyadoo u soconaysa si xishood leh oo tiri, “Aabbahay baa kuu yeeraya si uu kuugu gudo ujrada waraabintii darteed aad noo waraabisay [xoolahayaga].” Markii uu uyimid oo uga warramay qisadii jidhay, wuxuu yiri, “Ha cabsan, waad ka badbaadday qawmkii ahaa daalimiinta.”
  26. Oo waxay tiri [labadii gabdhood] middood, “Aabbow ijaaro, waxaa xaqiiqdii u fiican cid la ijaarto xoog badanaha, aamminka ah.”
  27. Wuxuu yiri [gabadhii aabbaheed], “Waxaan rabaa inaa kuu guuriyo mid kamid ah labadaydaan gabdhood, waxaase shardi ah inaad ii shaqayso siddeed sano, haddiise aad buuxiso toban sano waxay ahaan doontaa [ixsaan] xaggaaga ah, mana doonayo inaan ku dhibo. Haddii Allaah idmo, waxaad iga heli doontaa mid kamid ah kuwa wanaagsan.”
  28. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Taasu waa [ballan] dhexdeenna ah aniga iyo adiga, tii aan labada muddo oofiyaa ma jiri doonto wax laygu colaadin doono, oo Allaah baa ka damiin [iyo markhaati] ah waxa aannu leennahay.”
  29. Markii uu dhammaystay Muusaa muddadii, oo la tagay ehelkiisii iyagoo jidka haya buu wuxuu ka arkay dhinaca buurta [Duur] dab, wuxuu ku yiri reerkiisii, “Suga, waxaan arkay dab, waa intaasoo aan idiin ka keeno war ama xolod dab ah si aad ukulaashaan.”
  30. Markii uu soo gaaray [dabkii] waxaa looga dhawaaqay dhanka midig ee togga ee rugta barakaysan ee geedka, “Muusow! Waxaan Anigu ahay Allaah, Rabbiga uumanka.”
  31. “Ee tuur ushaada,” markiise uu arkay iyadoo dhaqdhaqaaqaysa oo la moodo halaq, buu isgaddiyay, mana soo dhugan gadaal. [Waxaa la yiri,] “Muusow kaalay soo dhawow oo ha cabsan, waxaad tahay mid kamid ah kuwa aaminka ah.”
  32. “Gali gacantaada goshaada, waxay noqon durbaba caddaan cudur la’aan, oo ku nab gacantaada garabkaaga si ay kaaga ba’do cabsida [aad ka qaadday maska, sidoo kalana gacantaadu waxay u noqon doontaa sideedii hore]. Kuwakani waa labo burhaan [caddaymo, mucjizo, xujo] xagga Rabbigaa looga soo diray Fircoon iyo duqaydiisa, waa qawm faasiqiin ahe.”
  33. Wuxuu [Muusaa] yiri, “Rabbiyow! Waxaan dilay nin kamid ah, waxaana ka cabsanayaa inay idilaan.”
  34. “Oo walaalkay Haaruun baa iga faseexsan carrab ahaan ee ila dir garab ahaan si uu ii rumeeyo. Waxaan anigu ka cabsanayaa inay ibeeniyaan.”
  35. Allaah wuxuu yiri, “Waxaan ku adkayn doonnaa cududdaada walaalkaa, oo idiin yeelaynaa labadiinnaba awood, marka iyagu uma yeelan doonaan awood inay idiin gaystaan dhibaato, ee aayadahayaga dartood idinka iyo intii idin raacda baa adkaan doona.”
  36. Markii uu ula yimid Muusaa aayadahayaga oo cad cad, waxay yiraahdeen, “Waxakani ma aha waxaan ahayn sixir la been abuurtay, mana aanaan ku maqal waxakan oo kale aabbayashayadii hore dhexdood.”
  37. Wuxuu Muusaa yiri, “Rabbigay baa ogsoon kan kala yimid hanuun xaggiisa iyo kan lahaan doona ciribta wanaagsan daarta dambe ee Aakhirada. Xaqiiqdii ma liibaanaan daalimiintu.”
  38. Wuxuu Fircoon yiri, “Duqayahay! Anigu idiin ma ogi inaad leedihiin ilaah kale aan ahayn aniga, ee ii huri Haamaanow dhoobada, oo ii samee sar dheer, si aan usoo eego [ama usoo raadsho] Ilaaha Muusaa, oo waxaan xaqiiqdii qabaa in isagu [Muusaa] yahay mid kamid ah beenlawyada.”
  39. Oo waxay ugu kibreen [Fircoon] iyo askartiisii dhulka xaq darro, oo waxay moodeen inaan xaggeenna loo soo celinayn.
  40. Markaas baan qabannay [Fircoon] iyo askartiisiiba, oo ku tuurnay dhammaan badda [oo hafinnay] ee fiiri [Muxammadow] sida ay ahayd ciribtii daalimiinta.
  41. Oo Waxaan ka yeelnay hoggaamiyaal wax ugu yeeraya Naarta, Maalinta Qiyaamana looma gargaaro.
  42. Oo Waxaan raacinnay adduunyadan lacnad, Maalinta Qiyaamahana waxay kamid ahaan doonaan maqbuuxiin [kuwa laga dheereeyay naxariista Allaah iyo wanaag oo dhan, ee la dulleeyay].
  43. Oo waxaan dhabtii siinnay Muusaa kaddib markii aan halaagnay qaaruumihii hore Kitaabka [Tawraadda] isagoo u ah iftiin dadka, iyo hanuun iyo naxariis, bal inay waantoobaan.
  44. Oo adigu [Muxammadow] ma aadan joogin dhinaca galbeed [ee buurta], markii aan siinnay Muusaa amarka, oo ma aadan ahayn goobjoog.
  45. Laakiinse Waxaan abuurnay facyo [isxigsada Muusaa kaddib] waxaana ku dheeraaday cimrigii, oo adigu [Muxammadow] ma ahayn mid dhex joogay reer Madyan, adigoo u aqrinaya aayadahayaga, laankiinse Annaga baa kusoo dirnay [rusuul ahaan].
  46. Oo adigu [Muxammadow] ma aadan joogin dhinaca Buurta [Duur] markii aan uyeernay [waxaa la sheegay in Allaah uyeeray ummaddii raacday Nabi Muxammad waxayna ajiibeen yeeridda, ama in Allaah u yeeray Muusaa]. Laakiinse [adiga waxaa laguu soo diray] naxariis ahaan xagga Rabbigaa si aad ugu digto qawm uusan u imaan dige hortaa bal inay waantoobaan.
  47. Oo haddii ay ku dhacdo [gaaladii Makka] musiibo waxay gacmahoodu gaysteen [oo xumaan ah] darteed, waxay oran lahaayeen, “Rabbiyow! Maxaad noogu soo diri wayday rasuul si aan uraacno aayadahaaga oo aan uga mid ahaanno mu’miniinta?”
  48. Markiise uu uyimid xaqii [waa Nabi Muxammad] isagoo ka socda xaggayaga waxay yiraahdeen, “Maxaa loo siin waayay wax lamid ah wixii la siiyay Muusaa?” Ma waysan ku gaaloobin wixii la siiyay Muusaa awal hore? Waxay yiraahdeen, “Waa labo sixir [Tawraadda iyo Qur’aanka] oo is kaalmaystay,” oo waxay yiraahdeen, “Innagu dhammaantood waan ku gaalawnay.”
  49. Dheh [Muxammadow], “Ka keena Kitaab xagga Allaah, oo ka hanuun wanaagsan labadooda [Tawraadda iyo Qur’aanka] aan raacee, haddii aad run sheegaysaan.”
  50. Haddiise aysan ku ajiibin [maqlin], ogow inay oo kaliya raacaan hawadooda, oo yaa ka dhunsanaan badan mid raaca hawadiisa hanuun la’aan xagga Allaah ah? Xaqiiqdii, Allaah ma hanuuniyo qawmka ah daalimiinta.
  51. Oo waxaan dhabtii soo gaarsiinnay Qawlka [Qur’aankan ay ugu yaallaan wararka wax walba] bal inay waantoobaan.
  52. Kuwa aannu siinnay Kitaabka [Tawraadda iyo Injiilka, iyo wixi lamida] ka hor kani [Qur’aanka], waa rumaysan yihiin waxa kusoo arooray [Qur’aanka].
  53. Oo marka loo aqriyo [Qur’aanka] waxay yiraahdaan, “Waan rumaysannahay, xaqiiqdii waa xaq ka yimid Rabbigayo. Waxaannu xaqiiqdii innagu ahayn isaga ka horba Muslimiin [waa sida Cabdullaah bin Salaam iyo Salmaan al-Faarisi iyo kuwa lamida].”
  54. Kuwaas waxaa la siin doonaa ajarkooda labo jeer sabarkoodii darti, oo waxay ku qaabilaan wixii xumaan ah samaan, oo wixii aan ku irzaaqno waa kuwo wax ka bixiya [zako iyo sadaqo].
  55. Oo markii ay maqlaan laġwi [xumaan, af lagaaddo iyo wixi lamida] waa ka jeesadaan, oo waxay yiraahdaan, “Waxaannu leennahay camalladayada, idinkuna waxaad leedihiin camaladiinna. Nabadgalyo, ma rabno [dhaqanka] jaahiliinta.”
  56. Xaqiiqdii! Adigu [Muxammadow] ma hanuunin kartid ciddii aad jeclaysato, laakiinse Allaah baa hanuuniya kii uu doono, oo Isaga baa ogsoon kuwa hanuunsan.
  57. Oo waxay yiraahdeen [gaaladiii reer Makka ahayd], “Haddii aan kula raacno hanuunka waxaa nalaga dafi doonaa dhulkayaga.” Ma waannaan dajin Xaram aammin ah [Makka], oo la keeno miro nooc walba leh, rizqi xaggayaga ah? Laakiinse badankoodu ma oga.
  58. Oo intee baan magaalo halaagnay, ku kibirtay nolosheeda [caasiday Allaah iyo rusushiisa]. Waana kuwaas guryahoodii aan la dagin gadaashood wax yar ma’ahee, waa Annaga kuwa dhaxla [u hara].
  59. Oo ma aha Rabbigaa mid halaaga magaalooyinka jeer uu udiro magaalada u hooyada ah [xaruntooda] rasuul u aqrinaya aayadahayaga, oo ma nihin kuwo halaaga magaalooyin haddii ayan ahayn dadka magaalooyinkaa daalimiin.
  60. Oo wixii kastoo la idin siiyo oo wuxuun ahi waa raaxada nolosha adduunkan iyo quruxdeeda, waxase [Aakhirada] Allaah agtiis ah baa khayr badan oo daa’imsan, ee mawaydaan lahayn garasho?
  61. Ma mid aan u yaboohnay yabooh wanaagsan [Janno] oo la kulmi doono, baa lamid ah mid aan ugu raaxaynay nolosha adduunkan, dabadeed Maalinta Qiyaamaha kamid noqon doona kuwa lasoo xaadirinayo [la cadaabayo]?
  62. Oo [xus] Maalinta uu [Allaah] u yeeri doono [mushrikiinta] oo oran doono, “Meeye kuwii aad ila wadaajiseen cibaadada oo aad xusi jirteen?”
  63. Kuwa uu Qawlka ku dhaboobi doono [in la ciqaabo] waxay oran doonaan, “Rabbiyow! Kuwaani waa kuwii aan habaabinnay, waxaan u habaabinnay sidii aan u habawnay. Waxaan ka nahay barii’ [iyaga] Adiga hortaada. Ma ahayn innaga waxay caabudayeen.”
  64. Oo waxaa lagu oran doonaa, “Uyeera shariikyadiinna,” markaasay uyeeri doonaan, mase siin doonaan wax jawaab ah, oo waxay arki doonaan cadaabta [markaas bay qoomamoodaan] haddii ay hanuunsanaan lahaayeen.
  65. Oo [xus] Maalinta uu [Allaah] uyeeri doono oo oran doono, “Maxaad ugu jawaabteen rusushii?”
  66. Markaas bay waayaan xujooyinkii maalintaas, waxna isma warsadaan.
  67. Kiise isagu ka tawbad keena [shirkiga iyo macaasida] oo [xaqa] rumeeya oo fala camallo wanaagsan [nolosha adduunkan] waa intaasoo uu kamid noqdo kuwa liibaanay.
  68. Oo Rabbigaa wuxuu abuuraa wixii uu doono oo doortaa, ma leh iyaguse [dadku] akhyaar. Waa ka nazahan yahay Allaah oo ka sarreeyaa waxa ay la wadaajiyaan cibaadada.
  69. Oo Rabbigaa waa og yahay waxa ay qarinayaan laabahooda iyo waxa ay muujinayaanba.
  70. Oo waa Isaga Allaah [macbuudka Xaqa ah], ma jiro ilaah [xaq ah] aan Isaga ahayn, Isaga baa ku leh ammaan oo idil iyo mahadba tan hore [aduuunka] iyo tan dambaba [Aakhirada], oo Isaga baa leh xukumka, oo xaggiisa baa idinka oo idil la idiin celin doonaa.
  71. Dheh [Muxammadow], “Bal ka warrama haddii uu Allaah idiin ka yeelo habeenka joogto tan iyo maalinta Qiyaamaha, ma ilaah baa jira aan ahayn Allaah oo idiin keeni kara iftiin? Ee mawaydaan wax maqlayn?”
  72. Dheh [Muxammadow], “Bal ka warrama haddii Allaah idiin ka yeelo dharaarta joogto tan iyo Maalinta Qiyaamaha, ma ilaah baa jira aan ahayn Allaah oo idiin keeni kara habeen aad ku xasishaan? Ee mawaydaan wax arkayn?”
  73. Oo waxaa kamid ah naxariistiisa, inuu idiin yeelay habeenka iyo maalinta si aad ugu xasishaan [inta aad ku jirtaan habeennimada] iyo si aad u doonataan deeqdiisa [inta aad ku jirtaan maalinnimada], bal inaad shukridaan.
  74. [Oo xus] Maalinta aan uyeeri doono [mushrikiinta] oo oran doono, “Meeye kuwii aad ila wadaajiseen cibaadada aad xusi jirteen?”
  75. Oo Waxaannu kasoo saari doonnaa ummad walba markhaati, waxaannuna oran doonnaa, “Keena caddayntiinnii,” markaas bay ogaan doonaan inuu garta leeyahay Allaah [Kaliya], oo waayi doonaan wixii ay been abuuran jireen.
  76. Xaqiiqdii, Qaaruun wuxuu kamid ahaa qawmkii Muusaa, wuxuuse u dhaqmay si kibir leh xaggooda, waxaannuna ka siinnay maaliyadaha wax furayaashoodu cuslaynaysay jirka rag xoog leh. Markii ay qawmkiisu ku yiraahdeen, “Ha farxin [adigoo ka abaal dhacsan galladaha Allaah, waayo farax kuuma eka] xaqiiqdii Allaah ma jecla kuwa faraxsan [iyagoo ka abaal dhacsan galladaha Allaah].”
  77. “Oo ku doono waxa [maaliyad ah] uu Allaah ku siiyay Daarta Aakhirada, oo ha halmaamin qaybtaada ah adduunka, oo sama fal sida Allaah kuugu sama falay, oo ha la doonin fasahaad arlada, xaqiiqdii Allaah ma jecla mufsidiinta.”
  78. Wuxuu yiri, “Waxakani waxaa la igu siiyay oo kaliya cilmiga aan leeyahay darteed.” Ma wuusan ogayn inuu Allaah halaagay isaga horti qaaruumo, kuwo isaga ka xoog badan oo ka badan [tiro ahaan waxay maaliyad] isu keeneen? Oo waxba lagama waydiin doono mujrimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] danbiyadooda [oo Allaah waa ogsoon yahay inkastoo iyagu lagu qirayo danbiyadoodii oo lasoo hor dhigayo].
  79. Markaas buu usoo baxay qawmkiisii hortood isagoo xarragoonaya oo ay u dhan tahay quruxdiisii. Kuwii doonayay nolosha adduunka waxay yiraahdeen, “Wayoo way! Haddii aan lahaan lahayn wax lamid ah waxa Qaaruun la siiyay! Xaqiiqdii wuxuu leeyahay nasiib wayn.”
  80. Waxayse yiraahdeen kuwii la siiyay cilmiga, “Magaciin ba’ye! Abaalka Allaah [ee Aakhirada] baa u wanaagsan kuwa [Xaqa] rumeeya oo fala camallo wanaagsan, lamana waafajiyo waxaan ahayn kuwa ku sabra [raacidda xaqa].”
  81. Markaas baan la goynay isaga iyo daartiisiiba dhulka, mana helin qolo ugargaarta Allaah sokadi, oo ma ahayn mid isu gargaari kara.
  82. Oo waxay billaabeen kuwii u hanqal taagayay [meeqaan lamid ah] meeqaankiisa maalintii horraysay inay yiraahdaan, “Shaki ma leh waa Allaah Kan u fidiya rizqiga ciddii uu doono oo kamid ah addoomahiisa ama ku ciriiriya. Haddii aysan jirteen in Allaah yahay mid noo roonaan badan oo noo gallad badan, wuxuu nala goyn lahaa dhulka [sidoo kale]. Wallee ma liibaanto gaalo!
  83. Taasi ah Daarta Aakhiro [Jannada] waxaan dhaxalsiin doonnaa kuwa aan ku doonayn sarrayn dhulka, oo aan ku falin fasahaad, ciribta wanaagsanna waxaa leh kuwa ka dhawrsada xumaha.
  84. Kii kastoo la yimaada wanaag [iimaan sugan iyo camallo suubban], wuxuu leeyahay wax ka khayr badan, kiise la yimaada xumaan [shirki iyo macaasi] laguma abaal mariyo kuwa fala camallada xun waxaan ahayn wixii ay fali jireen.
  85. Xaqiiqdii Kan ku siiyay [Muxammadow] Qur’aanka [ee ku amray inaad ku camal fasho xeerarkiisa oo aad gaarsiiso dadka kale] wuxuu hubaashii kuugu soo celin doonaa dib xagga Macaadka [meel noqod ama waa Makka oo lagaa saaray ama Jannada dhimashadaada kaddib]. Dheh [Muxammadow], “Rabbigay baa ogsoon kan isagu la yimid hanuun iyo kan ku sugan baadi cad.”
  86. Oo ma aad filayn in lagugu soo dajiyo Kitaabka [Qur’aanka], hase yeeshee waa naxariis xagga Rabbigaa ah, ee ha noqonin mid garab siiya gaalada.
  87. Oo yaysan kaa jeedin [Muxammadow gaarsiinta iyo fidinta] aayadaha Allaah kadib markii lagugu soo dajiyay, oo ugu yeer [dadka] xagga Rabbigaa, oo ha kamid noqonin mushrikiinta.
  88. Oo ha la baryin la jirka Allaah ilaah kale, ma jiro ilaah [Xaq ah] aan Isaga ahayn, wax waliba waa halaagsami doonaan Wajigiisa maahee, Isaga baa leh xukumka, oo xaggiisa baa idinkoo [dhan] la idiin celin doonaa.

Suuradda 29aad: Al-Cankabuut [Caarada]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Alif Laam-Miim. [Xarfahani waxay ku tusinayaan Mucjizada Qur’aanka, oo Allaah [Keliya] baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Ma waxay dadku moodayaan in loogaga tegayo inay yiraahdaan, “Waan rumeynnay iyagoo aan la imtixaamin.
  3. Waxaannu dhabtii imtixaannay kuwii ka horreeyay. Oo Allaah hubaashii waa muujin doonaa kuwa runta sheega, oo waa muujin doonaa kuwa ah beenlowyada.
  4. Mise waxay moodayaan kuwa fala xumaha [shirkiga iyo macaasida] inay naga dheerayn karaan [macnaha waa ka fakan karaan Ciqaabtayada]? Xumaa waxa ay xukmiyaan.
  5. rajaynaya la kulanka Allaah, xaqiiqdii Ajasha uu Allaah [qoray] waa imaaneysaa, oo waa Isaga Maqal Badanaha, Cilmiga Badan.
  6. Oo kii dadaala, wuxuu u dadaalayaa D,ftiisa. Xaqiiqdii Allaah waa ka deeqtoon yahay uumanka.
  7. Oo kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, waxaan hubaashii asturi doonnaa xumaanahooda, oo u abaal marin doonnaa si waafaqsan waxa u wanaagsan waxa ay fali jireen.
  8. Oo waxaan ku waajibannay aadanaha wanaajinta waalidkiis, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso [cibaadada] wax aadan u heysan cilmi [xujo], ha ku adeecin. Waa xaggayga noqodkiinnu, oo waxaan idiinkaga warrami doonnaa wixii aad fali jirteen.
  9. Kuwiise [Xaqa] rumeeyay oo falay camallo wanaagsan oo suubban, Waxaannu galinaynaa [meel galka] suubbanayaasha [Janno].
  10. Oo waxaa ka mid ah dadka qaar I yiraahda, “Waxaan rumeynay Allaah, I markiise lagu dhibaateeyo Allaah darti, ka I yeela imtixaanka dadka sida Cadaabka Allaah, oo haddii ay timaaddo guul xagga Rabbigaa ah, waxay [munaafiqiintu] oran doonaan, “Waxaannu ahayn kuwa idin la jira [idiin hiillinayay].” Mawuusan Allaah ahayn kan ogsoon waxa ku jira laabaha I uumanka.
  11. Allaah waa uu muujin doonaa kuwa [Xaqa] rumeeyay, oo Waa uu muujin doonaa munaafiqiinta.
  12. Oo waxay ku yiraahdeen kuwii gaaloobay kuwii [Xaqa] rumeeyay, “Soo raaca jidkayaga waxaan idinka qaadi doonnaa dembiyadiina,” mana aha kuwo ka qaadaya wax ka mid ah dembiyadooda ee waa beenlawyo.
  13. Waxayse hubaashii qaadi doonaan culaysyadooda, iyo culaysyo kale oo la jira culaysyadooda, waxaana la weydiin doonaa Maalinta Qiyaamaha wixii ay been abuuran jireen.
  14. Oo Waxaan dhabtii u dimay Nuux qoonkiisii, wuxuuna dhex joogay kun sano oo dhimman konton sano [Isagoo ugu yeeraya Towxiidka oo uga digaya shirikiga], waxaana qaaday Duufaantii iyagoo Daalimiin ah.
  15. Oo Waa badbaadinnay [Nuux] iyo kuwii kula jirayba Doonta, oo waxaan uga yeellay Aayad [digniin] uumanka
  16. Oo [xus] Ibraahiim markii uu ku lahaa dadkiisii, “Caabuda, Allaah [oo keliya] oo ka cabsada, sidaas baa idiin khayr badan, haddii aad ogtihiin.
  17. “Waxaad caabudaysaan Allaah sokadi wax kale ma ahee waa sanammo, oo waxaad abuurataan been [baadil]. Xaqiiqdii, kuwa aad caabudaysaan Allaah sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Allaah agtiis [oo keliya] oo caabuda kuna mahdiya. Xaggiisa baa la idiin soo celine.
  18. “Haddiise aad beenisaan, waxaa beeniyay [Rusushoodii] ummado idinka homey ey. Oo ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad [ee Fartiinta Allaah].”
  19. Mawaysan arkayn sida Allaah u billaabo abuundda [uunka], oo u soo celin doono, Xaqiiqdii, taasi Allaah waa u fududdahay.
  20. Dheh, “Socda dhulka oo fiiriya sida [Allaah] u billaabo uunka, haddana Allaah uahaysiinayo abuundda dambe [soobuxinta geerida kaddib]. Xaqiiqdii, Allaah wax walba waa Karaa.
  21. Wuxuu ciqaabaa ciddii uu doono, oo u naxariistaa ciddii uu doono, oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa.
  22. Oo ma ahidin idinku kuwa ku fakan kara dhulka iyo cirka midna, oo ma lihidin Allaah sokadi wax Wali ah [ilaaliye, difaace] iyo gargaare midna.
  23. Oo kuwa ku gaalooba Aayadaha Allaah iyo la kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, oo waxaa kuwaasi u sugnaaday cadaab xanuun badan
  24. Marka ma ahayn jawaabtii qoonkiisii waxaan ahayn inay yiraahdeen, “Dila ama guba [Ibraahiim].” Markaas buu Allaah ka badbaadiyay dabkii. Xaqiiqdii, tani gudaheed waxaa ugu sugan calaamooyin [Tusaalooyin] qoonkii rumaynaya.
  25. Oo [Ibraahiim] wuxuu yiri:“Waxaad u samaysateen [caabudid darteed] sanammo Allaah sokadi, jaceylka dhexdiina ah waa oo keliya inta nolosha adduunkan ah, Maalinta Qiyaamahase, waa iska barii yeeli doonaan qaarkiinba qaarka kale, oo lacnadi doonaan qaarkiinba qaarka kale, oo hoygiinnu waa Naarta, oo ma lahaan doontaan wax idiin gargaara.”
  26. Waxaa rumeeyay [Ibraahiim oo ka aqbaly Islaamka] Luud. Wuxuu [Ibraahiim] yiri, “Waxaan u haajirayaa xagga Rabbigay. Xaqiiqdii, [Allaah] waa Awood Badanaha, Xikmadda Badan.
  27. Oo Waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub, waxaannuna ka yeelnay ubadkiisii dhexdooda Nabinnimada iyo Kitaabka [macnaha waa Towraaddii oo la siiyay Muusaa, Injiilkii oo la siiyay Ciisaa, iyo Qur’aanka oo la siiyay Muxammad 3s, oo dhammaan ah yacni Muusaa, Ciisaa, iyo Muxammad 3s ubadkii Ibraahiim] oo Waxaannu ku siinnay [Ibraahiim] abaalkiisa adduunkan, oo xaqiiqdii, Aakhirada wuxuu [Ibraahiim] ka mid yahay suubbanayaasha.
  28. Oo [xus] Luud, markii uu ku lahaa qoonkiisii, “Xaqiiqdii idinku waxaad la timaaddaan xumaan [khaniisnimoj uusanba idiinka horrayn axad ka mid ah uumanka.
  29. Ee idinku [waa yaabe] ma waxaad u tagaysaan [galmooneysaan] ragga, oo goyneysaan jidka, oo kula imaaneysaan Munkar [shirki, gaalnimo, macaasi fool xun, iyo wixi lamida] kulamadiinna dhexdooda.” Mase ahayn jawaabtii qoonkiisii waxaan ahayn inay yiraahdeen:” Noo keen Cadaabka Allaah haddii aad run sheegayso.
  30. Wuxuu [Luud] yiri, “Rabbiyow! Iiga gargaar qoonkan ah Mufsidiinta.
  31. Oo markii ay ula yimaadeen Rusushayadii [malaa’igta ahayd] Ibraahiim bishaarada waxay yiraahdeen, “Xaqiiqdii, tvaxaan innagu halaagaynaa dadka oagaaladan [Luud] [waa magaaladii Sodom ee ku tiil Falastiin], dadkeedu waa Dailimiine.
  32. Wuxuu [Ibraahiim] yiri, “Waxaase ku jira Luud.” Waxay yiraahdeen, “Innaga baa ogsoon cidda dhexdeeda ah, waannu ka badbaadin doonnaa isaga [Luud] iyo ehelkiisaba,_marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan doontaa mid ku harta gadaal [halaagga]”.
  33. Oo markii ay u yimaadeen Rusushayadii Luud [waa malaa’igtii oo wiilal qurxoon suuradood ugu yimid Luud] waa uu u murugooday dartood, oo dareemay ciriiri la ajligood [isagoo ka baqayay inay qooonkiisu ku xadgudbaan oo ku gabood falaan oo faaxishadii iyo foobcumooyinkii la soo aadaan] Waxay yiraahdeen, “Ha cabsan hana murugoon. Run ahaan [waxaannu nahay Rusul malaa’ig ah oo ka timid Rabbigaa agtiis si aan u halaagno qoomkan Daalimiinta ah] waana ku badbaadin doonnaa adiga iyo ahelkaagaba, marka laga reebo xaaskaaga, waxay ahaan doontaa mid ku harta gadaal [waxaa lala rogi doonaa kuwa la rogayo].
  34. Xaqiiqdii, waxaan ku dhownahay inaan ugaga keenno dushooda dadka magaaladan cadaab daran xagga cirka, maxaa yeelay waxay ahaadeen fallaago [ka hor yimaada Amarrada Alle].”
  35. Oo Waxaan dhabtii uga tagnay halkaa Aayad cad [cashar, digniin iyo calaamo waa meesha hadda ah badda meytan ee Falastiin] qoonkii garasho leh.
  36. Oo Xagga [reer] Madyan, Waxaan u dimay walaalkood Shucayb, wuxuu yiri: Qoonkayow! Caabuda Allaah oo rajeeya Maalinta Dambe [Aakhirada] oo ha ku bi’innina [hallaynina] arlada ku falid fasahaad.
  37. Waase beeniyeen isagii [Shucayb] markaas baa waxaa qabtay dhul gariir, oo noqdeen kuwo [baqti] ah oo guiyahooda u yaal weji weji [afgembi].
  38. Oo [waxaan rognay reer] Caad iyo Thamuud. Oo waxay dhabtii idiinka muuqataa [baabbi’intoodii] guryahoodii [la rogay]. Wuxuuna u quixiyay Shaydaan camalladoodii oo ka duway Jidka [Toosan], oo waxay ahaayeen kuwo wax arka [haddii ay waantoobayaan yacni waxay ahaayeen kuwo leh aqoon hab agaasin ku dhisan oo loola jeedo in arrimaha adduunka baxaalligooda iyo salkooda la gaaro, si fiicanna dhulka loo camiro, oo daaro dhaadheer loogaga dhiso, wax kastana maamul fiican loo sameeyo].
  39. Oo [Waxaan rognay sidoo kale] Qaaruun, Fircoon iyo Haamaan. Oo wuxuu dhabtii Muusaa ula yimid Aayado cad cad, waxayse ku qooqeen arlada, mase ahayn kuwo naga dheereyn kara [ka baxsan kara ‘vo Cadaabtayada].
  40. Mid walbaa [oo ka mid ah] waxaan ku qaadnay] dembigooda, waxaa ka mid ahaa  qaar aan u dimay dabeyl daran [uu la socdo l””- roob dhagaxyo ah; sida qoonkii Luud], oo waxaa ka mid ahaa qaar ay qabatay Assayxah [cadaab_qaylo daran iyo wixi lamida, sida reer Thamuud ama qoonkii Shucayb], oo waxaa ka mid ahaa qaar aan la goynay dhulka; sida Qaaruun] oo waxaa ka mid jhaa qaar aan hafinnay [sida qoonkii Nuux iyo Fircoon iyo qoonkiisii]. Ma ahayn Allaah inuu dulmiyay, laakiinse iyaga baa naflooda dulmiyay.
  41. Mataalka kuwaa sameysta Awliyaa [ilaahyo, rabbiyo, ilaaliyaal] aan ahayn Allaah waa sida mataalka caaro, yeelatay gun, waxaana xaqiiqdii ugu liita guryaha, guriga caarada; haddii ay og yihiin.
  42. Xaqiiqdii, Allaah waa og yahay waxa ay baryayaan Isaga sokadi. Waana Allaah Awood Badanaha Xikmadda Badan
  43. Tusaalooyinkannina waxaan u soo qaadannaa dadka, mase jiro cid garaneysa macnahooda aan ahayn kuwaa cilmiga leh.
  44. Wuxuu Allaah u abuuray cirarka iyo dhulka xaq. Xaqiiqdii, tani waxaa ugu sugan calaamo mu’miniinta.
  45. Akhri [Muxammadow M waxaa laguu waxyoodo oo ka mid ah Kitaabka [Qur’aanka] oo u oog salaadda si wanaagsan. Xaqiiqdii, salaaddu waxay ka reebtaa dadka xumaanta [Zinada, iyo wixi lamida] iyo Munkaika [shrikiga, kufriga, munaafiqnimada, iyo wixi lamida.] oo xusidda Allaah baa sii wayn. Oo Allaah waa og yahay waxa aad sameynaysaan.
  46. Oo ha la doodina ehlu Kitaabka [Yuhuudda iyo Nasaarada], inay ahaato maahee dooddaasi [dow] sida wanaagsan ah [oo ku dhisan Qur’aanka iyo Sunnada, idinkoo ugu yeeraya Towxiidka iyo rumeynta Nabi Muxammad ee kutubtooda ku yaal] kuwooda fala dulmiga maahee, oo ku dhaha [iyaga], “Waxaan rumaynay waxa naloo soo dajiyay iyo waxa la idiin soo dajiyay; Ilaahayaga iyo Ilaahiinnuna waa Mid [Allaah], innaguna Isaga baan u hoggaansannahay.
  47. Oo sidaas baan kuugu soo dejinnay Kitaabka [Qur’aanka, Muxammadow 4S], kuwana aan siinnay Kitaabka [Towraadda iyo Injiilka awal hore] way rumeeyaan, kuwaasina [kula jooga adiga hadda qaar ka mid ah reer Makkah iyo Yuhuudda sida Cabdullaah bin Salaam] waxaa ka mid ah kuwa rumeyn, mana diidaan Aayadahayaga waxaan ahayn gaalada.
  48. Oo ma ahayn [Muxammadow S] mid akhriya wax Kitaab ah hortiis isaga [Qur’aanka], oo kuma aadan qorin wax kitaab ah [wuxuu ahaadaba] gacantaada midig, haddii ay taa dhici laheyd, markaas waa ay shakiyi lahaayeen baadil raaceenku.
  49. Balse waa Aayado cad cad [waa tilmaanta iyo sifaadka Nabi Muxammad % ku yaal Towraadda iyo Injiilka] ku sugan laabaha kuwa la siiyay cilmiga [oo ka mid ah dadkii la siiyay Kutubta], oo ma diidaan Aayadahaga waxaan ahayn Daalimiinta.
  50. Oo waxay yiraahdeen [Mushrikiintii Carbeed], “Maxaa loogu soo dejin waayay Mucjizooyin ka yimid xagga Rabbigi? Dheh: Mucjizooyinka waxay oo keliya ka yimaadaan xagga Allaah, aniguse waxaan ahay oo keliya dige iska cad.”
  51. Mawaysan ku fillayn inaan kugu soo dcjinnay Kitaabka [Qur’aanka] oo loo akhriyo? Anintani waxaa ugu sugan naxariisiyo waano qawmkii rumaynaya.
  52. Ku dheh [Muxammadow]- “Waxaa ku filan Allaah dhexdeenna aniga iyo idinka markhaati ahaan. Wuxuu og yahay waxa ku sugan cirarka iyo dhulka, kuwase mmeysan baadilka [Ilaahyada beenta ah ee aan ahayn Allaha Xaqa ah, shirkiga iyo dhammaan wixii mabaadi dalligan ah oo ah wixii ka soo hara sharciga Allaah] oo ku gaalooba Allaah iyo [Waxdaaniyadiisa], waa iyaga kuwaasu kuwa khasaaray.
  53. Oo waxay dalbaan inaad u soo dedejiso cadaabka, haddii aysan jirteen muddo magacaaban [oo loo qabtay oo madal maalin la yaqaan ah] waxaa hubaashii u iman lahaa cadaabka. Wuxuuna ugu iman lahaa kedo iyagoo aan dareensanayn.
  54. Waxay kaa dalbaan inaad u soo dedejiso cadaabka, oo waxay xaqiiqdii Naarta Jahannama koobi doontaa gaalada.
  55. Maalinta [Qiyaamaha] waxaa dabooli doona gaalada cadaab korkooda iyo lugahooda hoostoodaba, wuxuuna ku oran doonaa, “Dhadhamiya wixii aad camal fali jirteen.”
  56. Addoomahayga [Xaqa] rumeeyow! dhulkaygu waa waasic [ballaarane], ee Aniga [Keliya] i caabuda.
  57. Naf walbaa waa tii dhadhamisa dhimashada. Oo xaggayaga baa la idiin soo celin doonaa.
  58. Kuwa [Xaqa] rumeeyay oo falay camallo wanaagsan oo suubban, waxaannu hubaashii dejin doonnaa guryo sare Jannada dhexdeeda, ay hoostoodu webiyadu qul-qulayaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda weligood, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fasha.
  59. Ee ah kuwa sabra oo Rabbigood [Allaah Keliya] tala saarta.
  60. Oo badanaa noole dhul socod ah, oo a an xambaarsaneyn risiqeeda, oo Allaah irsaaqo iyada iyo idinkaba. Waana Isaga Maqal Badanaha, Cilmiga Badan.
  61. Oo haddii aad weydiiso [mushrikiinta iyo gaalada], “Yaa abuuray cirarka iyo dhulka oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay hubaashii oran doonaan, “Allaah”, Ee xaggee loo iilayaa [mushrikiinta iyo gaalada]
  62. Allaah wuxuu u waasiciyaa risiqa kii uu doono oo ka mid ah addoomahiisa, oo ku ciriiriyaa [kii uu doono]. Xaqiiqdii, Allaah wax walba waa Ogyahay.
  63. Oo haddii aad weydiiso [mushrikiinta iyo gaalada], “Yaa ka soo dejiya cirka biyo [roob], oo ku nooleeya dhulka dhimashadiisa kaddib? Waxay hubaashii oran doonaan, “Allaah.” Dheh, “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah. Badankooduse ma laha garasho.
  64. Oo ma aha noloshatan adduunku waxaan ahayn oo keliya madaddaalo iyo cayaar. Oo xaqiiqdii, Daarta Aakhirada, Jaas weeyaan nolosha dhabta ah [macnaha nolosha waaridda aan weligeed dhammaan doonin], waase haddii ay og yihiin.
  65. Markii ay fuulaan Doon, waxay baiyaan Allaah [Keliya], iyagoo u Keli yeelaya cibaadada, markiise uu u badbaadiyo barriga, markaas bay u shariik yeelaan.
  66. Waxay ka abaal dhacaan wixii aan siinnay, ee ha iska raaxey steen [waa digniin], waase ogaan doonaan.
  67. Mawaysan arkayn [Mushrikiintii Carbeed] inaan yeellay [dejinnay] Xaram Aamin ah, oo la dafo dadka hareerahooda ah? Ee ma Baadil [shiiki, sanammo iyo wixii ilaahyo been ah oo idil oo ka soo hara Allaha xaqa ah] bay rumeynayaan, oo Nicmadaha Allaah ka abaal dhacayaan?
  68. Oo yaa ka dulmi badan mid ku been abuurta Allaah ama beeniya xaqa [Muxammad M iyo Qur’aankan], markii uu u yimid? Miyaynan ahayn Naarta Jahannama hoyga gaalada.
  69. Kuwase aad ugu dadaala Arrinkayaga oo ku jahaada Dartanno, waxaan hubaashii ku hanuunin doonnaa Jidadkayaga [Islaamka] oo wuxuu xaqiiqdii Allaah la jiraa sama falayaasha.”

Suuradda 30aad: Ar-Ruum [Roomaanka]

Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha Naxariista Badan.

  1. Alif laam-miim. [Xarfahani waxay ku tusinayaan Mucjizada Qur’aanka, oo Allaah [Keliya] baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Waxaa lagaga adkaaday Ruum.
  3. Dhulkii dhowaa [Suuriya, Ciraaq, Urdun, iyo Falastiin], iyaguna [Roomaanku], jabkooda kaddib, waa adkaan doonaan.
  4. Dhowr sano gudahood, Amarka waxaa leh Allaah oo Keliya ka hor iyo kaddib [dhacdooyinkan, yacni ka hor jabintii Roomaanka la jabiyay, ayna jabiyeen Faarisyiinta, iyo kaddibba, yacni jabinta laga jabin doono Faasrisiyiinta xagga Roomaanka]. Maalintaasna, mu’miniintu [yacni Muslimiintu] waxay ku farxi doonaan.
  5. Gargaarka Allaah [[Guusha uu Allaah siin doono Roomaanka oo elhu kitaab ah, iyo ka guuleysigooda Faarisiyiinta, oo majuus dab caabud ahaa markaa], Wuxuu u gargaaraa ciddii uu doono, waana Isaga Awood Badanaha, Naxariista Badan.
  6. Waa Yabooha Allaah, oo ma baajiyo Allaah Yaboohiisa, laakiinse dadka badankiisu ma oga.
  7. Waxay yaqaanniin gaaladu oo keliya daahirka [yacni muuqaalka] kore ee nolosha adduunka [waa arrimaha la xiriira waraabinta, beer falashoda, goosashada miraha, sancada, iyo wixi lamida] waase ka dhoohan yihiin nolosha dambe ee Aakhirada.
  8. Mawaysan uga fakarin si qoto dheer nafahooda [sida Allaah uga abuuray waxaan jirin, oo uga soo bixin doono qubuuraha geeridooda kaddib]? Allaah uma abuurin cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn xaq, iyo muddo magacaaban. Oo xaqiiqdii, in badan oo dadka ka mid ahi la kulanka Rabbigood waa beeniyaan oo ku gaaloobaan.
  9. Mawaysan marin dhulka oo eegin sidee bay aheyd ciribtii kuwii ka horreeyay ee xaqa diiday? Waxay ahaayeen kuwo ka sarreeeya quwad ahaan, oo waxay ku faleen dhulka oo camireen si ka badan sida ay [gaaladatani] faleen, oo waxay ula timid Rusushoodii caddaymo, oo Allaah ma aha mid wax dulmiya, laakiinse iyaga baa naftooda dilmiyay.
  10. Oo waxay noqotay ciribtii kuwii xumaanta [shirkiga] falay xumaan, beeninta ay beeniyeen darteed Aayadaha Allaah, oo waxay ahaayeen kuwo ku jees- jeesa.
  11. Allaah [Keliya] baa askumay uunka, waana uu soo celin doonaa [nolol galin doonaa geerida kaddib], oo Xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa.
  12. Oo Maalinta ay istaagi doonto Saacadda [Maalinta Qiyaame, Maalintaas] bay quusan doonaan Dambiilayaashu.”
  13. Oo ugama sugnaan doonaan kuwii ay Allaah la wadaajiyeen cibaadada wax shafeecayaal ah, oo waxay ku gaaloobi doonaan shariigyadoodii.
  14. Oo Maalinta ay Saacaddu istaagi doonto [Maalinta Qiyaame],_Maalintaas baa [dadka oo idil] la kala saari doonaa [macnaha waa mu’miiinta laga dhex saari doonaa gaalada].
  15. Xagga kuwa [Xaqa] rumeeyay oo falay camallo wanaagsan, kuwaa beero farxad leh [Janno] baa lagu maamusi doonaa.
  16. Xaggase kuwa ku gaaloobay oo beeniyay Aayadahayaga [xujooyinka, caddaymaha, casharrada, calaamooyinka, waxyiga, Rususha Allaah, soo Bixinta iilka layska soo saari doono] iyo la kulanka Aakhirada], kuwaas cadaabta baa lagu soo wada kulmin doonaa.
  17. Ee ka Nazaha Allaah [nuqsaan iyo ceeb oo dhan] marka aad galbaysanaysaan [macnaha waa ooga salaadaha Maqrib iyo Cishaa] iyo marka aad waabbariisa- naysaanba [macnaha waa ooga salaadda Subax].
  18. Oo Isaga [Allaah] baa leh ammaan idilkeed iyo mahadba cirarka iyo dhulka gudahooda, oo [Nazaha sidoo kale] galabtii [taasi macnaheedu waa ooga salaadda Casar] iyo marka aad soo gaartaan waqtiga duhurka [cadceed wareegga, waa ooga salaadda Duhur].
  19. [Allaah] Wuxuu ka soo saaraa wax nool wax dhintay, oo ka soo saaraa waxa dhintay wax nool. Wuxuuna nooleeyaa dhulka dhimashadiisa kaddib. Sidaas oo kale baana la idiin soo saari doonaa.
  20. Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idinka abuuray [Aadam] ciid, oo markaas noqoteen dad foof ah oo firarsan.
  21. Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray nafahiinna afooyin si aad ugu xasishaan, oo Wuxuu ka yeelay dhexdiinna kalgacalo iyo naxariis. Waxaa xaqiiqdii taasi ugu sugan calaamooyin qoonkii fekeraya.
  22. Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa abuurista cirarka iyo dhulka iyo kala duwanaanta afafkiinna iyo midabyadiinna. waxaa xaqiiqdii taas ugu sugan calaamooyin kuwa cimiga leh.
  23. Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa hurdadiinna habeenkii iyo maalintiiba, iyo doonashadiinna Deeqdiisa. Waxaa xaqiiqdii, taasi ugu sugan calaamooyin qoonkii wax maqlaya.
  24. Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idin tusiyo hillaaca oo baqdin iyo rajoba leh, oo Wuxuu ka soo dejiyaa cirka biyo [roob] oo ku nooleeyaa dhulka dhimashadiisa kaddib. waxaa xaqiiqdii taasi gudaheed ugu sugan Calamooyin qoonkii garasho leh.
  25. Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa, inay cirka iyo dhulka ku taagan [oo sugan] yihiin Amarkiisa, oo marka uu idinka yeero yeerid keliya dhulka, markaas baad durba soo baxeysaan [yacni ka soo bixi doontaan qubuuraha si la idiin abaal mariyo si waafaqsan camalladiinnii intii aad adduunka joogteen].
  26. Oo [Allaah] baa iska leh waxa ku sugan cirarka iyo dhulka, kulligood Isaga bay u hoggaansan yihiin.
  27. Oo Waa [Allaah] Kan askumay uunka, oo soo celin doona [markii ay halaag- samaan dhammaantood yacni geerida kaddib] wayna u fududdahay arrintaasi. Oo [Allaah] baa leh Mataalka sare [yacni waa ma jiraan cid xaq u leh in la caabudo Isaga maahee, oo ma jiraan wax u dhigmaa] cirarka iyo dhulka gudahooda, Waana Isaga Awood Badanaha, Xikmadda Badan.
  28. Wuxuu idiin yeelay mataal naftiinna ah,_Miyay idinla wadaagaan kuwa ay midigtiinnu hanato [yacni addoomahiinna] hantida iyo xoolaha aan idin siinnay oo aad si isku mid ah u maamushaan? oo aad uga cabsataan sida aad isaga cabsataan? Sidaas baan ugu faahfaahnaa Aayadaha qoonkii garasho leh.
  29. Mayee, bal kuwa fala dulmiga [shirkiga iyo macaasida] waxay raacaan hawadooda cilmi la’aan, ee yaa hanuunin kara mid uu Allaah dhumiyay? Oo ma laha Kuwaasu Wax u gargaara.
  30. Ee ku toosi [Muxammadow ^] Wajigaaga xagga diinta Islaamka ee Towxiidka saafiga ah, adigoo toosan oo aan ka iilan [oo ha caabudin cidna Allaah maahee Keliya], waa Abuurista Allaah [yacni Diintii Allaah] uu ku abuuray dadka. Wax isbeddel ah yaysan ahaan oo ku dhicin Khalqillaah [yacni Diinta Allaah], waa sidaas diinta qumman laakiinse dadka badankiisu ma oga.
  31. [idinkoo mar waliba] ula jeesanaya toobad xaggiisa [Allaah Keliya], oo ka cabsada, oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo ha ka mid noqonnina Mushrikiinta.
  32. Ee diintooda ku kala qaybsamay ee noqday dariiqooyin iyo kooxo [oo ku abuurtay waxyaalo cusub diinta gudaheeda _Bidcooyin, raacana hawooyinkooda], qolo walbaa ku faraxsan tahay waxaa ay haysato.
  33. Oo marka Aadanhu taabto dhib, waxay baryaan Rabbigood iyagoo toobad keen ah, markiise uu ka dhadhansiiyo xaggiisa Naxariis, mise, qaar iyaga ka mid ah waxay u shariig yeelaan Rabbigood.
  34. Si ay ugu gaaloobaan wixii aan siinnay. Ee ku raaxaysta [noloshiinna gaaban] waadse ogaan doontaan.
  35. Mise waxaan u soo dejinnay xujo, oo isagu ku hadla [yacni amra] waxa ay Allaah la wadaajiyaan cibaadada?
  36. Oo marka aan dhadhsansiinno dadka Naxariis, waa ay ku farxaan, haddiise ay soo gaarto xumaani oo wixii ay gacmahoodu gey steen ah, way quustaan oo niyad jabaan..
  37. Mawaysan arkayn inuu Allaah u waasiciyo risiqa kii uu doono, oo ku ciriiriyo [kii uu doono]. Waxaa xaqiiqdii taa ugu sugan calaamooyin qoonkii rumaynaya
  38. Ee sii kan qaraabada ah xaqiisa, iyo miskiinka, iyo tub ku joogga. Sidaas baa u khayr badan kuwa doonaya Wajiga Allaah, oo waa kuwaas kuwa liibaanay.
  39. Oo wixii aad bixisaan oo ribo ah si aad uga badsataan maalka dadka, ma badnaado Allaah agtiis; wixiise aad u bixisaan sako ahaan idinkoo doonaya Wajiga Allaah, kuwaasi waa kuwa loo laab laabi doona.
  40. Allaah waa Kan idin abuuray oo idin irsaaqa oo idin dhinsiinaya oo idin soo nooleynaya [Maalinta Qiyaamaha]. Ge ma jiraan kuwa aad Allaah la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Waa ka Nazahan yahay oo ka Saneeyaa waxaa ay u shariig yeelayaan.
  41. Waxaa ka soo daahiray fasahaad [dulmi iyo dambiyo] bini iyo badba oo ah wixii ay kasbadeen gacmaha dadku [oo dulmi, xad gudub, iyo falal xun ah iyo wixi lamida] si uu Allaah u dhadhansiiyo qaar wixii ay faleen [oo dembiyo] ah bal may soo noqdaan [oo toobad keenaan].
  42. Dheh [Muxammadow], “Mara dhulka oo fiiriya sidee bay aheyd ciribtii kuwii idinka horreeyay. Waxay ahaayeen badankoodu Mushrikiin.
  43. Ee ku toosi [Muxammadow] irejigaaga diinta toosan ee Xaqa ah [Islaamka] inta aysan ka imaan xagga Allaah Maalin uusan jirin qof celin karaa. Maalintaasi dadku waxay u kala jabi doonaan labo qolo [qolo gali doonta Jannada, iyo qolo gali doonta Naarta].
  44. Kii gaalooba [isaga bay dhibeysaa] gaalnimadiisa, kiise fala camallo wanaagsan [ee ku dhaqma Islaamka], Kuwaasu waxay u gogol dhigayaan naftooda meet wanaagsan [Jannada].
  45. Si uu Allaah ugu abaal mariyo kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan, wax ka mid ah Galladdiisa, Xaqiiqdii, Allaah ma jecla gaalada.
  46. Oo waxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa [ku tusinaya Awoodda Allaah iyo Mudnaantiisa Keligi cibaadada] inuu soo diro dabaylaha ku bishaareeya [roobka], si uu idiin dhadhansiiyo wax ka mid ah Naxariistiisa [waa roobka’e] iyo si ay ugu socdaan Doomuhu Amarkiisa oo aad u dalabtaan Deeqdiisa, bal inaad shukridaan.
  47. Oo Waxaan dhabtii u dimay Rusul hortaa [Muxammadow 25] dadkoodii. Waxayna ula yimaadeen Xujooyin Cad Cad, waana ka aargudannay kuwii falay dambiga [shirkiga, gaalnimada, dambiyada]. Oo waxaa xil na saaran ah u gargaarka mu’miniinta.
  48. Allaah waa Kan soo dira dabaylaha, markaas bay waxay kiciyaan damuro, oo ugu fidiyaa cirka sidii uu doono, oo dabadeed ka yeelaa gaballo, aad arkayso dhibco roob ah oo ka imanaya dhexdooda, markii uu roobkaa siiyo ciddii uu doono oo ka mid ah addoomahiisa, markaas bay bishaareystaan.
  49. Waxayna ahaayeen ka hor intii aan lagu di’in korkooda wax yar horti, kuwo ku sugan quusimaad.
  50. Ee fiiri raadka Raxmadda Allaah [roobka]; sida uu Allaah ugu nooleeyo dhulka dhimashadiisa kaddib [abaar dabadeed]. Xaqiiqdii, [Allaah ee nooleeyay dhulka dhimashadiisa kaddib] baa nooleyn doona oo soo bixin doona meytida [Maalinta Qiyaamaha], wax walbana waa Karaa.
  51. Oo haddii aan dimo dabeyl daran [oo baabbi’ineysa dooggii u baxay [yacni naqii iyo beertii uu soo saaray roobkii hore], oo ay arkaan [beertoodii] oo noqotay caddaan, waxay markaas kaddib noqdaan kuwo ka abaal dhaca [Rabbigood Allaah] oo gaalo ah.
  52. Ee adigu [Muxammadow SS] wax ma maqashiin kartid maytida [waa gaalada, iyo wixi lamida], mana maqashiin kartid kuwa dhegaha la’ dhawaaqa, markii ay tagaan oo dhabarka jeediyaan.
  53. Oo ma tihid Adigu [Muxammadow S] mid ka hanuunin kara kuwa indhaha la’ [gaalada madax adag, iyo wixi lamida] dhunsanaantooda, waxaad wax maqashiin katraa oo keliya kuwa rumeysan Aayadahayaga oo iyagu muslimiin ah.
  54. Allaah waa Kan idinka abuuray [xaalad] tabar yari, misna idin siiyay tabar yaradii kaddib xoog, misna yeelay xooggii kaddib tabar yari iyo cirro, Wuxuu abuuraa wixii uu doono. Waana Isaga Cilmi Badanaha, Awoodda Badan.
  55. Oo Maalinta ay saacaddu istaagi doonto [yacni Maalinta Qiyaamaha. Maalintaas] waxay ku dhaaran doonaan Mujrimiintu [mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iyo wixi lamida] inaysan ku nagaanin adduunka waxaan ahayn saacad, sidaas baanaxaqa looga leexiyay.
  56. Oo waxay oran doonaan kuwii la siiyay cilmiga iyo iimaanka, “Waxaad dhabtii joogteen in waafaqsan Qaddarka Allaah, tan iyo maalinta soo Bixinta [Qiyaame], marka tani waa Maalintii soo bixinta [Qiyaamahii], laakiinse ma aydaan ogeyn [ama waa ka dan iyo muraad la aydeen].
  57. Maalintaas wax uma tarto kuwii dulmiga [shirkiga iyo macaasida] falay cudur daarashadoodu, lagamana aqbalo raalli galin iyo toobad keen.
  58. Oo waxaan dhabtii ugu soo qaadannay dadka Qur’aankaan dhexdiisa tusaale kasta, haddiise aad adigu [Muxammadow ula timaaddo calaamo ama xujo caddayneysa Nabinnimadaada] waxay hubaashii Gaaladu ku oran doonaan [mu’miiniinta]: ‘Waxaad raacdaan wax kale maahee waa baadil iyo been.”
  59. Sidaas buu Allaah u daboolaa quluubta kuwa aan wax ogayn.
  60. Ee sabar [Muxammadow Xaqiiqdii, Yabooha Allaah waa xaq, oo yaysan kaa niyad jabin gaarsiinta Dhambaalka Allaah [aad ku laasiman tahay inaad gaarsiiso dadka] kuwa aan [xaqa] yaqiinsaneyn.

Suuradda 31aad: Luqmaan

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Alif La am Miim. [Xaifahani waxay ku tusinayaan Mucjizada Qur’aanka, oo Allaah [Keliya] baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Kuwakani waa Aayado ka mid ah Kitaabka Xikmadda Badan [Qur’aanka]
  3. Oo Hanuun iyo Naxariis u ah sama falayaasha.
  4. Kuwa u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya Zakada, oo ah kuwo Aakhirada iyagu yaqiinsan.
  5. Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun xagga Rabbigood ah, kuwaasina waa kuwa liibaanay.
  6. Oo dadka waxaa ka mid ah mid gata hadal maddadaallo xun ah si uu uga dhumo Jidka Allaah cilmi la’aan, oo ku jees-jeesa [jidkaas]. Kuwaasu waxay leeyihiin Cadaab Silcisa.
  7. Oo Marka loo akhriyo Aayadahayaga [Qur’aanka] ka jeesadaa kibir darti, sida inuusan maqalba, sida inuu ka qabo dhagaha culeys, ee ugu bishaaree Cadaab Xanuun Badan.
  8. Xaqiiqdii, kuwa [Xaqa] rumeeyay oo falacamallo wanaagsan oo suubban, waxay lecyihiin beero barwaaqo ah [Janno].
  9. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda, waa Yabooh Allaah oo xaqa ah.Waana isaga Awood Badanaha, Xikmadda Badan.
  10. Wuxuu abuuray cirarka tiirar la’aan, aad aragtaan, oo wuxuu u yeelay dhulka buuro sugan si uusan idiin la dhaqdhaqaaqin. Oo Wuxuu ku firdhiyay dhulka dhexdiisa wax kastoo nuuxnuuxsada [oo nafley oo dhan ah] oo dhul socod nooc kastaba leh ah. Waxaannuna ka soo dejinnaa biyo [roob] cirka oo ku soo bixinnaa [dhirta] oo nooc kasta oo wanaagsan leh.
  11. Kani waa Abuurkii Allaah ee i tusa waxay abuureen [kuwa aad caabudaysaan] Allaah sokadi. Mayee, Daalimiintu [mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iyo wixi lamida] waxay ku sugan yihiin baadi cad.
  12. Oo waxaan dhabtii siinnay Luqmaan Xikmad [wuxuuna oran jirey], “Ku shukri Allaah, “kii kastoo shukriya, wuxuu u shukriyaa naftiisa [oo khayr u tahay] kii gaaloobana, xaqiiqdii, Allaah waa Qani [ka deeqtoon wax waliba, aanay jirin cid iyo shey uu u baahan yahay] Ammaan oo dhan mudan.
  13. Oo [xus] markii uu Luqmaan ku lahaa wiilkiisa isagoo waaninaya, “Maandhow! Ha u shariig yeelin Allaah. Xaqiiqdii! Shirkigu waa Dulmi Wayn.
  14. Oo Waxaan ku waajibinnay aadanaha [inuu wanaajiyo oo baarri u ahaado] waalidkiis. Waxay ku sidday hooyadiis tabar yari loo geeyay tabar yari. ka gurintiisa [naaskuna] waa labo sano dhexdood_ ee igu shukri Aniga iyo labadaada waalidba, _waa Xaggayga Noqdka Dambe.
  15. Haddiise ay kugula dadaalaan [waalidkaa] inaad ii shariig yeesho wax aadan cilmi [xujo] u heysan, ha ku adeecin, ha yeeshee kula rafiiq adduunyada si wanaagsan o raac jidka midka iigu soo noqda Aniga toobad iyo daacad. Dabadeed waa Xaggayga Meel Noqodkiinnu, oo waxaan idiinka warrami doonaa wixii aad falijiiteen.
  16. “Maandhoow! Haba ahaatee [wax uun] le’eg iniin meseggo [ama ka yar], oo ku taal dhadhaab ama taal cirarka gudahood ama dhulka, Allaah waa keeni doonaa. Xaqiiqdii, Allaah waa dhimrin iyo roonaan badan yahay, oo waa u Xog hayaa oo Og yahay wax waliba.
  17. “Maandhow! U oog salaadda si wanaagsan]. oo amar [dadka] macruufka [Towxiidka iyo wax kastoo wanaagsan] oo ka reeb [dadka] Munkarka [shirkiga iyo macaasida]. Oo u sabar wixii kugu dhaca [ee kugu soo gaara kara fidinta diinta, amridda macruufka, reebidda munkarka]. Xaqiiqdii, Kuwakani waa qaar ka mid ah amarrada iyo go’aamadda muhiimka ah ee laga soo amray xagga Allaah aan la iska cafin [yacni qof kasta laga rabo].
  18. “Oo ha ka jeedin wajigaaga dadka islawayni darteed, oo ha ku marin dhulka xarrago [kibir darti]. Xaqiiqdii, Allaah ma jecla mid kastoo isla wayn oo faan badan.
  19. w0o dhexdhaxeyso [ama ha ku muujin Idbir iyo xishood la’aan] socodkaaga, oo boos u dhig codkaaga Xaqiiqdii, codadka kan u qallafsan waa codka [cida] dameerka.”
  20. Mawaydan arkayn [dadow] inuu Allaah idiin sakhiray wax waliba oo ku sugan cirarka iyo wax waliba oo ku sugan dhulka, oo idiinku taam yeelay Nicmooyinkiisa korkiinna tu muuqata, iyo tu qarsoonba? Oo dadka waxaa ka mid ah mid ka dooda Allaah iyo Aayadahiisa cilmi iyo hanuun iyo kitaab wax ifiya la’aan.
  21. Oo marka lagu yiraahdo, “Raaca waxa Allaah soo dajiyay” Waxay yiraahdaan, “Mayee, waxaan raacaynaa wixii aan ka hellay aabayaashayo [iyagoo raacaya].” [Ma sidaa bay yeelayaan] xitaa haddii uu shaydaan [arrimahaa xun ee khilaafsan sharciga ka dambeeyo oo ku dhiirro galiyo] oo ugu yeero cadaabta Naarta hurka badan.
  22. Oo kii u dhiiba Wajigiisa [naftiisa] Allaah [oo u hoggaansama] isagoo ah Muxsin [sama fale yacni mid u gut a oo ula yimaada camallada wanaagsan Allaah darti istustus la’aan aan uga dan lahayn inuu ka helo magac iyo ammaan iyo wixi lamida oo u fala camalladiisa si waafaqsan sunnada Nabiga Muxammad wuxuu qabsaday siddada kalsoonida ee adag. Oo Allaah baa leh oo loo celiyaa animaha oo idil.
  23. Oo kii gaalooba, yaysan ku murugeyn gaalnimadiisu [Muxammadow] waa Xaggayaga Noqodkoodu, oo Waxaan uga warrami doonnaa wixii ay fali jireen. Xaqiiqdii, Allaah waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha [dadka].
  24. Waxaan u raaxeyn doonnaa wax yar, dabadeed bideynaa cadaab qallafsan.
  25. Oo haddii aad [Muxammadow] waydiiso [mushrikiinta, gaalada], “Yaa abuuray cirarka iyo dhulka? waxay hubaashii oran doonaan, “Allaah”. Dheh, “Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah. laakiinse badankoodu ma’oga.
  26. Allaah baa leh wax walba oo ku sugan ciraika iyo dhulka. Xaqiqdii, Allaah waa Qaniga [hodanka, ka deeqtoon wax waliba aan cid iyo sheyna u baahneyn] Mudan ammaan oo idil.
  27. Oo haddii waxa dhulka ku sugan oo geedo ahi qalimmo noqdaan, badduna [khad wax lagula qoro] oo gadaashood yihiin toddoba badood, ma dhammaadeen Kelmedaha Allaah. Xaqiiqdii, Allaah waa Awood Badane, Xikmad Badan.
  28. Ma aha abuuriddiinna iyo soo bixintiinnu idinkoo dhammi waxaan ahayn sida [abuuridda iyo soo bixinta] naf keliya. Xaqiiqdii, Allaah waa Maqal Badane, Arkid badan.
  29. Mawaadan ogaan [Muxammadow 2s] in Allaah dhex galiyo habeenka maalintii [yacni waa in saacadahii laga naaqusiyo habbeenka lagu daro saacadaha maalinta], iyo inuu dhex galiyo maalintana habeenka [yacni nuqsaanka ku dhaca saacadaha maalinta lagu daro saacadaha habeenka] oo jdiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, uu mid walbaa ku roorayo waddadiisa ilaa muddo magaacaaban; iyo inuu Allaah waxa aad falaysaan Og yahay.
  30. Taasi sababteedu waxaa weeye Allaah, waa Isaga Xaqa, oo waxa ay baryayaan sokadi waa baadil [been, sheydaan, sanammo iyo ilaahyo been ah ay sameysteen] iyo inuu Allaah yahay Saireeyaha Wayn.
  31. Mawaadan ogaan inay doomuhu ku maraan badda Galladda Allaah?_taasi waa si uu wax idiinka tuso Calaamooyinkiisa. Xaqiiqdii, tarn gudaheed waxaa ugu sugan Calaamooyin sabar badane kasta, oo shukriyd badan.
  32. Oo marka uu daboolo mawj [hir] sida higillo ah [muuqaal wayn oo madow oo aan qeexnayn, sida daruuraha ama hirarka buuraha oo kale ah], waxay baryaan Allaah iyagoo u keli yeelaya baryada. Markiise uu nabad ku keeno berriga, waxaa ka mid ah qaar istaaga meel dhexe oo u dhexeysa [iimaan iyo gaalnimo]. Mana diido Aayadahayaga waxaan ahayn cahdi laawe kasta, abaal dhac badan.
  33. Dadow! Ka cabsada Rabbigiin, oo ka baqa Maalin uusan waalid wax u tari karin ilmahiisa, ilmuhuna aysan waxba u tari karin waalidkood. Xaqiiqdii, Yabooha Allaah waa Xaq, ee yaysan idin hodin noloshan Adduunku, oo yuusan Allaah idinka hodin kan wax hoda ee dhagarta badan [Shaydaan].
  34. Xaqiiqdii, Allaah! Isagoo keliya bay la jirtaa oo agtiisa tahay [Ogsoon] Cilmiga Saacadda [Qiyaamaha goorta ay tahay], iyo soo dejinta roobka, oo Ogsoon waxa ku jira ilma galeennada. Oo nafna ma oga maxay kasban doontaa berri, oo nafina ma oga dhulkee bay ku dhiman doontaa. Xaqiiqdii, Allaah waa Cilmi Badane, ka War Hay a [wax walba] oo Xog Ogaal u ah.

Suuradda 32aad: As-Sajdah [Sujuudda]

Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha Naxariista Badan

  1. Alif laam-miim. [Xarfahani waxay ku tusinayaan Mucjizada Qur’aanka, oo Allaah [Keliya] baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Soo dejinta Kitaabka [Qur’aankan] shaki kuma jiro, waa xagga Rabbiga uumanka.
  3. Mise waxay leeyihiin waxaa been abuurtay [Muxammad ^]? “Mayee, waa Xaq ka yimid Rabbigaa, si aad ugu digtid qoon uusan u iman dige hortaa adiga [Muxammadow £s] bal inay hanuunaan.
  4. Allaah waa Kan ku abuuray cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya oo dhan lix Maalmood. Dabeeto ku istawooday [yacni ka kor ahaaday] Carshiga [si u qalanta oo ku habboon Waynidiisa]. Ma lihidin Allaah sokadi wax Wali ah [yacni gargaare, ilaaliye, Ilaah, Rabbi iyo wixi lamida.] ama Shafeece. £e miyaydun waansameyn?
  5. Wuxuu ka maamulaa arrin [kasta] cirka oo u soo diraa dhulka, markaa buu wuxuu [airinku] u aadaa kor xaggiisa Maalin qaddarkeedu yahay kun sano oo waxa aad [irsataan ah.
  6. Kaasu waa [Allaah] Ogsoonaha waxa qarsoon ee aan muuqan, iyo waxa la arko ee muuqda, Awood Badanaha, Naxariista Badan.
  7. Kan wanaajiyay wax kasta uu abuuray, Wuxuuna ka billaabay abuuridda Aadanaha dhoobo.
  8. Oo Wuxuu ka yeelay tarankiisa mid ka soo taxma miir biyo liita ah.
  9. Wuxuuna u yeelay [aadanaha] suurad ku habbon oo wanaagsan, oo wuxuu ku afuufay Ruuxdii [uu u abuuray uguna tala galay qofkaasi], oo wuxuu idin siiyay maqal [dhego], arag [indho], iyo laabo [garasho], yaraa inta aad shukridaan.
  10. Oo waxay yirahdeen, “Ma markii aan [dhiminno oo noqonno] kuwa ku baabba’a dhulka [yacni na cunto ciidda] miyaa nala abuurayaa abuur cusub [mar kale oo nolol nala galin]? Mayee’ bal la Kulanka Rabbigood bay ku gaaloobaan.
  11. Dheh: “Waxaa idin oofsan doona Malakul mowd [malagga dhimashada] ee la idiin xil saaray, markaas baa xagga Rabbigiin la idin soo celin doonaa.
  12. Haddii aad arki lahayd marka ay Mujrimiintu [mushrkiinta, gaalada, dambiilayaasha,; iyo wixi lamida] hoos u dhigi doonaan madaxyadooda Rabbigood horti [iyagoo leh]: Rabbiyow! Wax haatan aragnay oo maqallay ee dib noogu cell [adduunka] si aan u soo fallanno camallo suubban. Haatan waanyaqiinsannaye.”
  13. Oo haddii aan doonno, hubaashii, waxaan -siin lahayn naf walba hanuunkeeda, laakiinse Qawlka waa iga dhacay inaan ka buuxin doono Naar jinka iyo dadka dhammaan [waxooda caasiya Allaah oo xaqa diida].
  14. Ee dhadhamiya [cadaabka Naarta], waa wixii aad halmaanteen la Kulanka Maalintiinnaan awgeed, [oo] hubaashii b Annaguna sidoo kale waa idin halmaa- meynaa, ee dhadhamiya cadaabta waaridda waa wixii aad camal [xun] fali jirteene.
  15. Waxaa oo keliya rumeynaya Aayada- hayaga kuwa marka lagu waaniyo la dhaca sujuud, oo ku tasbiixsada Ammaanaha Rabbigood, oo aan iyagu isla waynayn.
  16. Waxay ka dheeraadaan dhinacyadoodu gogolladooda jiifka iyagoo baiyaya Rabbigood si cabsi leh iyo Rajaynba, wixii aan ku irsaaqnayna wax ka bixiya.
  17. Ma oga nafi waxa loo qariyay kuwaas oo indho ku qabowsadaan, abaal marin wixii ay camal san fali jireen.
  18. Ee ma mid mu’min ah baa la mid ah mid faasiq ah [gaal, mushrik, dambiile, ku caasiya Allaah] Wallee ma sinna.
  19. Xagga Kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala jamallo wanaagsan oo suubban, jazahoodu ,vaa Beero [Janno] la hoyinayo maamuus ahaanwixii ay camal [san] fali jireen awgi.
  20. Xagga kuwse ah Faasiqiinta [mushrikiinta, gaalada, iyo cusaadda ku caasida Allaah] hoygood waa Naar, markii ay doonaanba may ka soo baxaan waa lagu celin doonaa dhexdeeda, waxaana lagu oran doonaa, “Dhadhamiya cadaabka Naartii aad beenin jirteen.”
  21. Oo waxaan hubaashii dhadhansiin doonnaa cadaabka dhow [waa cadaabka noloshan adduunka waa balaayooyinka, dagaallada, dhul gariiryada, daadadka, musiibadaha, cudurradda, iyo wixi lamida] cadaabka wayn ka sokow [ee Aakhirada], bal inay [toobad keenaan] oo soo noqdaan.
  22. Oo yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyay Aayadaha Rabbigi, oo ka jeesaday xaggeeda? Xaqiiqdii, Annagu waankaarsan doonnaa dambiilayaasha.
  23. Oo Waxaannu dhabtii siinnay Muusaa Kitaabka [Towradda]. Ee ha ka shakiyin la kulankiisa [yacni markii aad la kulantay Muusaa habeenkii Israha iyo Micraajka cirarka korkooda] oo Waxaynu uga dhignay [Towraadda] hanuun ilmahii Israa’iil.
  24. Oo Waxaannu ka yeelay qaar ka mid ah [ilmahii Israa’iil] hoggaamiyaal wax ku hanuuniya Amarkayaga, markii ay sabreen, waxayna ahaayeen kuwo Aayadahayaga yaqiinsan.
  25. Xaqiiqdii, Rabbigaa baa kala xukumi doona dhexdooda Maalinta Qiyaamaha wixii ay isku khilaafsanaayeen.
  26. Mawaynan u tilmaamin kuwaasi oo ku hanuunin inta qaaruumood aan halaagnay hortood oo ay guryahoodii maraan, Xaqiiqdii, taasi gudaheed waxaa ku sugan calaamooyin. Ee mawaysan wax maqleyn?
  27. Mawaysan arkayn sida aan ugu soo kaxeyno biyo [daruuro roobeed] dhulka abaarta ah aan dhirta lahayn, kaasoo aan ku soo saamo saracyo u ah cunto xoolahooda iyo nafahoodaba? Ee mawaysan wax arkayn?
  28. Oo waxay yiraahdaan, “Waa Goorma kala xukunka [dhexdeenna yacni Maalinta Qiyaamo] haddii aad run sheegaysaan?
  29. Dheh, “Maalinta kala xukunku [yacni Maalinta Qiyaamo] waxna u tari meyso kuwii gaaloobay rumeyntoodu, oo lamana siin doono kansho [fursad mar kale].
  30. Ee isaga jeeso kuwaa xaggooda [Muxammadow], oo dhowr waxa ku dhaca, iyaguna wax bay dhowrayaane.

Suuradda 33aad: Al-Axzaab [Xizbiyada]

Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha Naxariista Badan

  1. Nabiyow [Muxammad] Allaah ka cabso, oo ha adeecin gaalada iyo munaafiqiinta. Xaqiiqdii! Allaah waa Cilmi Badane, Xikmad Badan.
  2. Oo raac waxa lagaaga soo waxyoodo xagga Rabbigaa. Xaqiiqdii, Allaah waxa aad falaysaan waa Og yahay.
  3. Oo tala saaro Allaah, oo ku filan Allaah Wakiil ahaan.
  4. Uma yeelin Allaah uinnn Inbo <jolbi oo ku jirn lnnbtilsn, oo knmn y eel in afooyjn* kimin nnd leedihiin wnxny nngn yihiin hooyooyinkcen oo knle hooyooyinkiin, oo kuiiiiin yeel in ilmoho In idinku innguunnbo oo idinku nb lirsndn innnd koriseen dnrlccd ilniihiinnn runtn oh nnd dlinnhecn. Wnxnn.su wux knle mnnhcu wnn hndnl min nnd ku tirnnhdnnn ofaflciinna, Wuxuu.se Allnnh shcegnn run, oo wuxuu wnx ku hnnuimiynn Jidkn [Toosnn].
  5. Ugu ycern [oo ugu nb liriyn cnrruurln mid aoo korsnleen nydnnnuu dhnlin cc hoontiinnn joogn] [magnoyndn] Aobbuynashood, tans bun cnddnnlndsnn Allnnl] ngtiis. I Inddiise uydann nqoon [inngncyndn] nnbbnynnshood [ugu ycern] wulnnlihiin diintn iyo Mnwnnliikum [addooinubiinnii nnd xorcyscen], oo idinkumn snnmu dnmbi korkiinnn wixii gel’ idiinkn dhncn, lnnkiinse [wnxnn In idiin rnncanayna wixii] ay kns iyo ulu kuc u sumeeynnn qnlbiyadiinnu, Oo Allnnh waa Dumbi dhuuf Bndune, Nnxnriis Bndnn
  6. Nnbign ban uga roon oo lurid bndnn nui’ininiinta naftoodn, afooyinkiisuna [yacni afooyinka Nabiga] waa hooyooyin- kood [hooyooyinka mu’miniinta [xagga xurmadda iyo guursiga]. Qaraabudana iynga baa qaarkood quark a kale kagn inudan Kitaabka Allnnh [xnggn is dhaxlidda], xiriir iyo xiganlo ka sokcysn kan [walaalaha mu’miniinta iyo muhaajiriinta [ka soo guuray Makkah iyo wixi lamida], inaad maahe u fashaon ixsaan walaalahaa [waa markii uu Nabigu OH isugu xirny xiriir wnliililniilmo]. Sulmm him ku qomn Kilnnhkn [l.awxa Maxfuudka]
  7. Oo [hum] mnrkii Aim kn qnmlnny Nnhiyiuln wnomlkoodii iyo xnggnngn mlign [Muxmnmndow ft] iyo xnggn Nimx, Ihrmi- liiim, Muuxmi iyo CiiNmijim Mnrynn], Wnxiiimmi kn qnmlnny nxdl mlng.
  8. Si mi Allnnl] wax ugn woydiiyo run- Imvynda [Rnmwhii llaniiny iyo Nabiyndiisii] nmloodii [wnn gnarxiinlii Rimlndii Allnnl] ce Towxiiilkn l.xlnnmkn on loo xil simmy], oo Wuxuu u tliynnriyay gnnlndn ondnnb xmiuun bndnn
  9. Kiiwn [Xnqn] mmeeyowl Xiimd Nicmnddn Allnnl] idiin gnluy mnrkii ny idiin yiinnndeon oiidmnmo lire bndnn, oo nnn kn dininy dnhnyl iyo ciidmnmo oydnun nrkin [wnn oiidnmmndii mnlnn’iglu wnqligii dmillnnnkii ANAxsnnb [Dngnnlkii Dliufeyska], oo Allnnh wnxn nnd J’nlnysmin won Arknn.
  10. Mnrkii ny idiinkn yiniundeen xnggn korkiinnn iyo xnggn boosliinnn nhbn, iyo mnrkii ny indhuliu ii.sheen, oo soo gnurcon wadnyonshu gnlnwdn [dhuunwha, hungurigu] oo nnd ku maleyscen Allnnl] mnlooyin [non wnnnngsnneyn].
  11. Mnlknns bon Ingu imtixaanay mu’miniinln, oo In gilgilny gil-gilid dnrnn.
  12. Markii ay lahaayeen munaafiqiinta iyo kuwa quluubta ka buka, “Allaah iyo Rasuulkiisu ik nooma yaboohin waxaan ahayn dhalanteed.
  13. Markii ay lahayd koox ka mid ahi Reer Yasribow [Al-Madiinah]! Idiinma taal meel aad ka gashaan weerarka cadowga] ee dib u noqda “Oo qaar ka mid ahi ay weydiisanayeen idan Nabiga Ss iyagoo leh:” Guryahayagii waa u baylah [cadowga], umana ahayn baylahe, ee waxay rabeen oo keliya inay cararaan
  14. Oo haddii cadowga uga soo gali lahaa dhinacyada [magaalada] oo dhan, oo lagu boorin lahaa Al-Fitnah [waa inay ka riddooban Islaamka oo la yimaadeen gaal- nimo iyo shirki], waa la imaan lahaayeen, oo kama ay hakadeen xaggeeda [laba laabeeyeen taa] in yar ma’ahee.
  15. Oo waxay horay kula galeen cahdi Allaah inaysan jeedineyn dhabarradooda, Axdiga Allaahna waa mid lays weydiinayo.
  16. Ku dheh [Muxamm adow munaafi- qiintaa kuu weydiista idanka si ay kaaga cararaan oo kaaga baxaan cadowga] cararku wax idiin ma tari doono, haddii aad ka carareysaan geeri ama dil, markaasna ma laydiin raaxeyn doono waxaan ahayn xoogaa yar.”
  17. Dheh, “Waa kuma kan idinka celin kara Allaah haddii uu idinla maago dhibaato ama idinla maago naxariis?” Umana heli doonaan Allaah sokadi naftooda wax ah Wali [gargaare, ilaahye, iyo wixi lamida] ama hiiliye toonna.
  18. Dhabtii Allaah waa og yahay kuwaa idinka mid ah ee ka cuiyaamiya [dadka] u dirirka Aninka Allaah, iyo kuwa ku dhaha walaalahood [munaafiqiinta ah], “Noo kaalaya, oo ma tagaan goobta dagaalka in yar ma’ahee.
  19. Iyagoo bakhayllo idinku ah [xagga u gargaarka iyo kaalmeynta Aninka Allaah]. oo markii ay cabsi timaaddo waxaad arkaysaa iyagoo ku soo fiirinaya oo indhahoodu wareegayaan sida mid geeri heyso; markiise ay cabsidu tagto, waxay idinku dhibaan carrabyo afaysan iyagoo idinkala bakhaylaya khayrka, [waxay oo keliya u hanqal taag badan yihiin qaniimooyinka iyo xoolaha yacni waa dhuuni raac]; kuwaasi ma ayan rumayn. Sidaa awgeed wuxuu Allaah buriyay camalladooda, oo taasi Allaah waa u fududdahay.
  20. Waxay moodaan inaysan Axsaabtii [colalkii] ayan weli tegin, oo haddii ay Axsaabtu [coalalka] imaan lahaayeen [mar kale] waxay jecleysan lahaayeen haddii ay baadiyaha cidlada ah [ku maqnaan lahaayeen] reer miyiga dhexdood oo ay ka raadinayaan wararkiinna [meel fog]; oo haddii ay [dhacdo] inay ahaadaan dhexdiinna ma ay dirireen in yar ma’ahee.
  21. Waxaa dhabtii idiinku sugan [Rasuulka Ilaahay [Muxammad] tusaale wanaagsan uu raaco kii rajeeya [la Kulanka] Allaah iyo Maalinta Aakhirada, oo xusa Allaah in badan.
  22. Oo markii ay Mu’minintii arkeen xisbiyadii [colkii] waxay yiraahdeen, “Waxakanu waa wixii ay noo yabooheen Allaah iyo Rasuulkiisa, oo run buu sheegay Allaah iyo [sidoo kale] Rasuulkiisu [Muxammad 3S], oo uma ziyaadin waxaan ahayen iimaan iyo hoggaansan.
  23. Waxaa ka mid ah mu’miniinta rag ka run sheegay wixii ay cahdiga kula galeen Allaah [yacni u baxay jihaadka] oo aan u jeedin dhabarradooda gaalada], waxaana ka mid ah qaar ka soo baxay oo gutay xilalkoodii [yacni loo dilay Jidka Allaah oo shahiitay], oo waxaa ka mid ah qaar weli sugaya [inay shahiidaan]; oo mamabna kuma dhicin isbeddel. [yacni waa mamaba lagama arag wax ka gaabis iyo jabin ah oo ay ku sameeyaan cahdigoodii ay la galeen Allaah, wax yama kolay ku tahay].
  24. Waa si uu Allaah uga abaal mariyo runlowyda runtooda [yacni sabarkoodii la xiriiray fulinta iyo oofinta wixii ay cahdiga iyo ballanta kula galeen Allaah] oo u cadaabo munaafiqiinta haddii uu doono ama ka toobad aqbalo. Xaqiiqdii, Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  25. Oo Allaah wuxuu dib ugala celiyay kuwii gaaloobay ciilkoodii, ma ayan helin wax khayr ah [qaniimo, xoolo iyo wixi lamida], oo Allaah baa kaga filaaday mu’mini inti i dagaalka. [isagoo ku diray gaaladii dabeyl daran iyo ciidan malaa’ig ah], oo Allaah waa Xoog Badane, Awood Badan.
  26. Oo wuxuu ka soo dajiyay kuwii ka midka ahaa ehlu Kitaabka ee caawiyay [mushrikiinta] dhufaysyadoodii oo ku tuuray quluubtoodii argagax [sidaa darteed] qaar [ka mid ah] waad leyseen, qaar [ka mid ahna] qafaalateen.
  27. Oo Wuxuu idin dhaxalsiiyay dhulkoodii iyo guiyahoodii iyo maalkoodii iyo dhul aydaan cag dhigin [hadda ka hor], oo Allaah wax walba waa Karaa.
  28. Nabiyow [Muxammad] ku dheh xaasaskaaga, “Haddii aad tihiin kuwo raba nolosha adduunkan iyo quruxdeeda, kaalaya aan idin saado’e oo idin sii daayo sii deyn wanaagsan.
  29. Haddiise aad tihiin kuwa raba Allaah iyo Rasuulkiisa, iyo Daarta Aakhiro, Xaqiiqdii, Allaah wuxuu u diyaarshay samo falooyinka idinka mid ah abaal wayn.
  30. Haweenka Nabigow! Tiinnii la timaadda xumaan cad [Zino], waxaa loo laablaabi doonaa cadaabka, taasina Allaah waa u fududdahay.
  31. Tiise adeecda Allaah iyo Rasuulkiisa oo u dhaqanta si fiican, waxaan siin doonnaa ajarkeeda labo jeer, oo waxaannu u diyaarinnay risiq wanaagsan [Janno].
  32. Haweenka Nabigow! la mid ma ahidin haweenka kale oo dhan. Ee ha noqonnina kuwo dabacsan oo nugul xagga hadalka, vuusan damac galine kan qalbiga ka buka [qaba cudur munaafiqnimo ah, u iilasho zino, iyo wixi lamida], balse u hadla si wanaagsan.
  33. Oo jooga guryihiinna, oo ha ismuujinnina ismuujintii jaahiliyaddii hore, oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo bixiya Zakada, oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa 4S, Allaah wuxuu rabaa oo keliya inuu idinka bi’iyo [oo fogeeyo] xumaha [dembiyada, iyo wixi lamida.] Ehlu baydka [Nabigow W£], oo idin daahiriyo daahirin kaamil ah.
  34. Oo xusa [xubnaha reerka Nabigow galladaha Rabbigiin] ee ah waxa lagu akhnyo guryihiinna oo Aayadaha Allaah ah iyo Xikmadda [Sunnada NabigajS]. Xaqiiqdii, Allaah waa wanaagsanaha Roonaanta iyo Turidda Badan, ee ka war haya wax kasta oo xeel dheer.
  35. Xaqiiqdii, Muslimiinta iyo Muslima- daha, mu’miniinta iyo mu’minadaha, Allaah adeecayaasha, iyo Allaah adeecooyinka, run sheegayaasha iyo run sheegooyinka, sabrayaasha iyo sabrooyinka [ku sabra gudashada dhammaan waajibyada iyo xilalka Allaah saaray, iyo ka joogiddooda dhammaan wixii uu Allaah reebay oo xaaraanshey, oo ku sabra sidoo kale wixii musiibooyin ah uu Allaah u qaddaray] Allaah u khushuucayaasha iyo Allaah u khushoocooyinka, [ku khushuuca Rabbigood Allaah horti],. sadaqeystayaasha iyo wax sadaqeystooyinka [kuwa bixiya Zakada, iyo sadaqada], soomayaasha iyo soomooyinka [sooma soonka waajibka ah ee bisha Ramadaan, iyo kan ikhyaarka {sunnada} ah] iyo dhowrsanayaasha iyo dhowrsanooyinka [iska ilaasha [galmoodyada xaaraanta ah_ zinada, gogol dhaafka, iyo wixi lamida], Allaah xusayaasha iyo Allaah xusooyinka [ku xusa Allaah qalbiyadooda iyo carrabyadooda, fadhi, joog iyo jiifba, iyo wixi lamida] Allaah wuxuu u diyaariyay danbi dhaaf iyo ajar wayn.
  36. Kuma habboona [oo uma bananaana] qof mu’min ah ama mu’minad, marka ay Allaah iyo Rasuulkiisu Anin gooyaan may yeeshaan ikhyaar taladooda ah; kiina caasiya Allaah iyo Rasuulkiisa, wuxuu dhabtii dhumay dhumid cad.
  37. Oo [xus] markii aad ku lahayd kii [Zayd bin Xaarithah] Allaah u nicmeeyay [isagoo ku hanuuniiyay Islaamka] adigana aad [Muxammadow] ugu nicmaysay [inaad ka xoreysay addooonninamadii], “Heyso afadaada oo Allaah ka cabso,” Waxaadse ku qarinaysay naftaada [wax uu Allaah ku ogeysiiey oo aheyd inuu ku siin doono Zaynab binti Jaxash adiga guur ahaan] waxaasoo Allaah keeni doono bannaanka oo caddayn doono, adigoo ka cabsanaya [xishoonaya] dadka [waa inay yiraahdaan Muxammad 35 wuxuu guursaday. xaaskii uu soo furay wiilkii uu soo korsaday] halka Allaah uu mudan yahay inaad ka cabsato. Markiina uu Zayd ka dan gutay [yacni furay Zaynab binti Jaxash] baan kuu guurinnay, si aysan [mustaqbalka dambe] kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah [xagga guursiga] afooyinka ay soo fureen kuwa ay wiilsha ka dhigteen [inkastoo aanay dhalin] marka ay wiilashaa ay soo korsadeen aysanna dhalin ka dan guteen oo ay an doonayn inay sii heystaan [yacni markii ay furaan kaddib], oo Amarka Alle waa in la fuliyo.
  38. Kuma laha eed Nabiga wixii Allaah uu u jideeyay. Waa sidaas Waddaddii Allaah iyo hannankii uu ula dhaqmi jiray kuwii [Nabiyadii] tegay ee hore. Amarka Allaahna waa qaddar xukman.
  39. [Waxaa ammaan mudan] kuwa gaarsiiya dadka Farriimaha Allaah oo ka baqa, oo a an ka baqin axadna Allaah maahee, oo Allaah ku filan Xisaabiye ahaan.
  40. Ma aha Muxammad aabbaha axadna ka mid ah raggiina, laakiinse waa Rasuulul Laah iyo kii u dambeeyay Nabiyada, oo Allaah wax walba waa Ogsoon yahay.
  41. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Xusa Allaah xusid badan.
  42. Oo ku tasbiixsada Ammaanahiisa subax iyo galabba.
  43. Waa isaga Kan soo dira salaat [Bara- kooyinkiisa, Naxariistiisa] korkiinna, malaa’igtiisuna sidoo kale [waxay ka baryaan Allaah inuu idin naxariisto oo idiin dembi dhaafo], si uu [Allaah] idinkaga saaro mugdiyada [shirkiga, kufriga iyo macaasida], xagga nuurka [Iimaanka iyo camallada suubban], oo Allaah waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta.
  44. Salaantoodu Maalinta ay la kulmi doonaan waa “Salaam: Nabad qaba, oo Wuxuu [Allaah] u diyaariyay abaal wanaagsan [Janno].
  45. Nabiyow [Muxammad] Waxaan Annagu kuu soo dimay markhaati ahaan. iyo bishaareeye iyo dige ahaan.
  46. Iyo daaci ahaan ugu ycera dadka xagga Allaah si Idankiis ah iyo nal ahaan ifiya.
  47. Ee ugu bishaaree mu’miniinta inay xagga Allaah ku leeyihiin Fadli Wayn.
  48. Oo ha adeecin gaalada iyo munaafi- qiinta, oo iska dhaaf dhibkooda [hana la galin dagaal jeer lagaa amro xaggeenna] oo tala saaro Allaah, oo Allaah ku Filan wakiil ahaan.
  49. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Haddii aad guursataan dumarka mu’minadaha ah, misna furtaan inta aydaan taaban [yacni u tegin oo la galmoon,] markaa Ciddah ma leh [yacni waajib ma aha sida xaaladaha kale in la furo waqtigii loo qabtay in la fiiro oo ah iyadoo aan dhiig qabin, oo daahir ah, aadna u tegin, yacni la galmoon], mana jidho sidoo kale ciddadii iyo muddadii la doonayay inay sugto [oo aheyd inay hesho seddex dhiig oo ay ka meyrato] marka dumarka xaaladdan oo kale ah ee la furo iyagoon loo tegin ma jidho ciddo aad u tirineysaan. ee saada [yacni waa siiya hadiyad fiican], oo sii daaya [u fura] si qurxoon oo sharaf leh.
  50. Nabiyow [Muxammad $] Waxaanu Annagu kaaga yeellay xalaal [oo kuu bannaynay] afooyinkaaga aad siisay maheikooda. iyo wixii [addoonnado] ah ay midigtaadu hanato oo waxa Allaah ku siiyay ah, iyo gabdhaha adeerradaa iyo gabdaha eeddooyinkaa iyo gabdhaha abtiyadaa iyo gabdhaha habaryarahaa ee kaala soo haajiray [Makkah], iyo haweeney mu’minad ah haddii ay u hibeyso nafteeda Nabiga, Nabiguna rabo inuu guursado, waa siin iyo xaq adiga keliya gaar kuu ah, oo aan la siin [inta kale ee hartay] oo mu’miniinta ah. Waxaan dhabtii ognahy wixii aan iyaga ku waajibinnay oo xaasaskooda ku saabsan iyo wixii ay gacmahoodu hantaan; waa si ayan dhibi u ahaan korkaaga, oo Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
  51. Adiga [Muxammadow] waad dib dhigi kareysaa [dowrka] toodii aad doonto [oo xaasaskaaga ka mid ah] waxaadna qaabili kartaa toodii aad doonto, tii aad rabtona oo ka mid ah kuwii aad dib dhigtay [dowrkooda si ku meel gaar ah] danbi kuguma saama inaad qaabisho [ mar kale], sidaas baa roon, si ay u indhow qabowsadaan oo ayan u murugoon, oo dhammantood noqdaan kuwa ku raali ah wixii aad siiso. Allaah baana ogsoon waxa ku jira qalbiyadiinna. Oo Allaah waa Cilmi Badane, Dul Badan.
  52. Kuuma bannaana [oo xalaal kuuma aha inaad guursato] haween dambe tan kaddib, iyo inaad iyaga ku beddalatid afooyin kale midna, xataa haddii ay quruxdoodu ku cajabiso, marka laga reebo kuwaa [addoonnadaha ah] ay midigtaadu hanato. Oo Allaah wax walba waa u jeedaa.
  53. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ha galihi guryaha Nabiga, in maahee la idiinku idmo [yeero] cunto cusumaad ahaan, [markaana goor hore ha ku soo kallihina] si aad u sugtaan diyaarinta iyo bisleynteeda. Laakiinse markii la idiin yeero [casumo] gala, markiina aad cuntaan raashinka kala taga idinkoo aan u fanisaneyn sheeko. Xaqiiqdii, [caadada iyo dhaqanka sidaasi ahi] waxay dhibtaa Nabiga S, waana ka xishoodaa [burn idinka codsado] idinka [inaad tagtaan], Allaahse kama xishoodo [inuu idiin sheego] xaqa. Oo markii aad weydiisanaysaan [xaasaskiisa] wax uun ka weydiiya xijaab [yacni daah] gadaashi, sidaas baa u daahirsan qalbiyadiinna iyo qalbiyadoodaba. Oo uma lihidin xaq oo idiinma bannaana inaad dhibtaan Rasuulka Ilaahay, oo idiinma bannaana sidoo kale inaad guursataan afooyinkiisa gadaashi [dhimashadiisa kaddib]. Xaqiiqdii, taasi Allaah agti waa wax Daran oo Fool Xun.
  54. Haddii aad muujisaan wax ama aad qarisaan, xaqiiqdii, Allaah wax walba waa Ogsoon yahay.
  55. Wax danbi ah kuma saama [xaasaska Nabiga iyo haweenka kale ee Mu’mindaha ah], haddii ay u muuqdaan iyagoo aan xijaabneyn] aabbayaashood ama wiila- shooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, iyo haweenkooda, iyo wixii ay midigtoodu hanatay, oo Allaah ka cabsada. Xaqiiqdii, Allaah waa Mid wax waliba u jeeda oo shaahid ah.
  56. Allaah wuxuu ku salliyaa [ yacni u soo diraa oo dushiisa yeelaa Galladahiisa, Darajooyinkiisa, Barakooyinkiisa, Naxariistiisa, iyo wixi lamida] Nabiga [Muxammad 2$] malaa’igtuna sidoo kale [waxay ka baryaan Allaah inuu barakeeyo oo u dembi dhaafo oo darajeeyo oo kor yeelo Nabiga M] Idinka ah kuwa [Xaqa] rumeeyow! Ku salliya [macnaha waa kaga barya Allaah inuu barakeeyo oo u naxariisto oo kor yeelo oo gaarsiiyo darajo sare] isaga [Muxammad] [waana inaad] ku salaantaan salaanta Islaamka [As-Salaamu calaykum].
  57. Xaqiiqdii, kuwa dhiba Allaah iyo Rasuulkiisa Allaah waa uu ku nacladay adduun iyo Aakhiraba, wuxuuna u diyaariyay Cadaab Silcisa.
  58. Oo kuwa dhiba mu’miniinta iyo mu’minadaha mudnaansho la’aan, waxay xambaarteen masabbid iyo dembi iska cad.
  59. Nabiyow! U sheeg afooyinkaaga iyo gabdhahaaga iyo haweenka mu’miniinta; inay isku dadaan Jilbaabyadooda [xijaabyo ama shukooyin oo ku dadaan] korkooda oo dhan. Sidaas baa roon oo wanaagsan. Si loogu aqoonsado [inay yihiin dumar gob ah oo xurmad leh oo dhowrsoon] oo sidaas darteed aan loo dhibin. Oo Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan
  60. Haddii munaafiqiintu iyo kuwa qalbiga ka buka ee qaba cudur ah [zino iyo dhiUeysi jaceyl, iyo wixi lamida] iyo kuwa ku fidiya warar been ah dadka Madiina dhexdooda ayan meel joogin, waxaan xaqiiqdii yeeli doonnaa inaan kuu dimo oo ka adkaato iyaga, markaana kulama degganaan doonaan dens ahaan in yar ma’ahee.
  61. Waa la lacnaday, meel kastoo ay joogaanba, ha la qab-qabto oo ha la laayo leyn daran.
  62. Waa sidaas Waddaddii Allaah iyo hannaankii uu ula dhaqmi jiray kuwii hore ee tagay, oo kama heli doontid Waddadii iyo habkii uu wax gali jiray Allaah wax is beddel ah.
  63. Dadku waxay wax kaa weydiin doonaan Saacadda [Qiyaame waa goonna], Dheh, “Cilmigeedu wuxuu la jiraa Allaah Keliya. Miyaadse og tahay? Waa intaasoo ay Saacaddu dhowdahay.”
  64. Xaqiiqdii, Allaah waa uu nacladay gaalada, wuxuuna u diyaariyay naar hur badan.
  65. Iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, mana heli doonaan Wali [yacni cid u gargaarta, ama wax ka celisa] iyo hiilliye toonna.
  66. Maalinta lagu rogrogi doono wejiyadooda Naarta, waxay oran doonaan, “Hoognay oo Ba’nayeey, Alla haddii aynu adeeci lahayn Allaah, oo adeeci lahayn Rasuulka [Muxammad].
  67. oo waxay oran doonaan, “Rabbiyow! Waxaan innagu adeecnay madaxdayadii iyo odayaashayadii, oo waxay naga dhumiyeen Jidka Toosan.
  68. Rabbiyow! Sii kuwaas cadaab labanlaab ah, oo naclad naclad wayn!”
  69. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Ha noqonnina sidii kuwii dhibay Muusaa, oo Allaah ka barii yeelay wixii ay ku sheegeen, wuxuuna ahaa Allaah agtiis mid sharaf leh.
  70. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Allaah ka cabsada, oo ku hadla hadal toosan.
  71. Wuxuu [Allaah] idiin wanaajinayaa camal addhna, oo idiin dhaafayaa dambiyadiinna. Kiina adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa^s, wuxuu hubaashii garaaray guul wayn [macnaha waa waxaa laga badbaadin doonaa Naarta oo la galin doonaa Jannada].
  72. Waxaan Annagu u soo bandhignay Amaanada [mas’uuliyadda diinta ama daacad ahaanashada, iyo dhammaan waajibyada iyo xilalka Allaah amray oo jideeyay] cirarka iyo dhulka iyo buuraha, waase ka cudur daarteen inay qaadaan oo ka baqeen [Cadaabka Allaah]. Waxaase qaadaay Aadanaha. Xaqiiqdii Waa dulmi badane [ku dulmi fala naftiisa], jahli badan.
  73. Waa si uu Allaah u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafaqadaha iyo mushrikiinta iyo mushrikadaha, oo uga toobad aqbalo mu’miniinta iyo mu’minadaha, oo Allaah waa danbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Suuradda 34aad: Saba’

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Kan iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka. Oo Isaga baa mudan xamdi iyo mahad oo dhan Aakhirada, Waana Isaga Xikmad Badanaha, Xog Ogaalka ah Xeesha Dheer.
  2. Wuxuu ogyahay waxa gala dhulka, iyo waxa ka soo baxa iyo waxaa ka soo dega xagga cirka iyo waxa u kora [fuula] xaggeeda. Waana Isaga Naxariis Badanaha, danbi Dhaafka Badan.
  3. Kuwii gaaloobay waxay yiraahdeen, “Nooma imaaneyso Saacadda [Qiyaame]. “Dheh.” Mayee, Waa igu Rabbigaye, waa idiin imaaneysaa.” [oo Allaah waa] Ogsoonaha Ġaybka [waxa qarsoon aan muuqan], kama qarsoona wax saxar le’eg [ama quraanyo] cilmigiisa cirarka gudahooda ama dhulka ama wax ka sii yar ama wax ka sii wayn, bal waxay ku yaalliin Kitaab Cad [Looxa Maxfuudka]
  4. Si uu Allaah u abaal mariyo kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, kuwaasu waxay leeyihiin danbi dhaaf iyo Risiq Wanaagsan [Janno].
  5. Kuwase ku dadaala ka hor imaanshaha Aayadahayaga si ay u galiyaan qallooc,_ kuwaasu waxay leeyihiin cadaab daran oo xanuun badan.
  6. Oo waxay arkaan kuwaa la siiyay cilmiga in waxa lagaaga soo dajiyay [Muxammadow $*] xagga Rabbigaa, uu yahay Xaq, oo wax ku hanuuniya Jidka Awood Badanaha, leh Ammaan oo dhan.
  7. Oo waxay yiraahdeen kuwii gaaloobay , “Ma idin tusnaa nin [Muxanunad £5] oo idiin sheegaya [in] markii aad noqotaan kuwo si dhan ugu baabba’ay ciidda oo ay cunto cunid dhan, in la idiin abuuri doono [mar kale] abuur cusub.
  8. Ma Allaah buu ku been abuuranayaa? mise wuxuu qabaa jin? Mayee, kuwaa aan rumeysnayn Aakhirada waxay ku sugan yihiin cadaab iyo baadi fog.
  9. Mawaysan arkayn waxa hortooda ah iyo waxa gadaashood ah oo cirka iyo dhulka ah? Haddii aan doonno, waxaan la goyneynaa dhulka, mise waxaan ku soo rideynaa korkood gabal cirka ah. Xaqiiqdii, waxaa tani ugu sugan calaamo addoon kasta oo toobad keen badan.
  10. Oo waxaan dhabtii siinnay Daawuud fadb Xaggayaga ah [Annagoo leh], “Buurahow! La tasbiixsada [Daawuud]! Idinkuna shimbirahow [sidoo kale]! Oo Waxaan u jilicinnay birta.
  11. Annagoo leh, “Samee cambuur bireedyada [dharka dagaalka], adigoo qiyaasaya dawannadooda oo sugaya tixiddeeda, oo u dhaqma [si wanaagsan. Anigu waxa aad faleysaan waan Arkaa.
  12. Oo Sulaymaan [waxaan u sakhimay] dabaysha, kallaheedu yahay bil, carraabadeeduna bil [yacni maalin buu kuu man jirey safar labo bilood ah] oo Waxaan u dareerinnay il macdan ah, oo waxaa jiray jinniyo ka hor shaqeeya si idanka Rabbigi ah, oo kii ka mid ah oo ka leexda Amarkayaga, waxaan dhadhansiineynaa cadaabta hurka badan.
  13. Waxay uga shaqeynayeen wixii uu rabo [iyagoo sameynayay] saro dhaadheer, sawirro, xeerooyin dar oo kale ah, iyo digsiyo [wax lagu kariyo] oo ku sugan [meelahoodii loogu tala galay]. Shaqeeya idinku Reer Daawuudow idinkoo ku shukrinaya Allaah. “Waase yar yihiin addoomahayga wax shukriya.
  14. Markiise aan u qaddamay [Sulaymaan] dhimashada, ma jinn wax u sheegay [jinniyada] dhimashadiisa aan ahayn dhuurcasada dhulka oo si [tartiib oo aayar ah] u cunaysay ushiisa, markii uu dhacay, waxaa jinkii u caddaatay in haddii ay ogaan lahaayeen Ġaybka [waxa qarsoon], aysan ku nagadeen cadaabka wax silciya [yacni shaqadii adkeyd ay u hayeen Sulaymaan oo mootan, iyaguna moodayeen inuu weli nool yahay].
  15. Waxaa dhabtii ku sugnaa reer Saba’ degaankoodii calaamo_ labo Beerood oo ka ahaa midigta iyo bidixda, “Cuna risiqa Rabbigiin oo ku shukriya, waa balad wanaagsan iyo Rabbi danbi Dhaaf Badan.
  16. Waase ka jeesadeen [adeecidda Allaah], Waxaan ku soo dimay Sayl Al- Carim [daad wayn] oo Waxaan ugu beddelnay labadoodii beerood labo beerood oo soo saara miro xun oo kharaar, iyo wax yaroo gob ah.
  17. Sidaas baan ku jaasayney, abaal dhacoodii darteed. oo miyaan ku jaaseynaa sidaas oo kale waxaan ahayn kuwa naga abaal dhaca [gaalada].
  18. Oo Waxaannu yeellay dhexdooda Iyaga iyo magaalooyinkii a an barakaynnay [Yaman iyo Qudus], magaalooyin muuqda, waxaannuna ka dhignay masaafada socod ahaan u dhaxeysa wax fudud [Annagoo niri], ku socda habeen iyo maalinba si aamin iyo nabad ah baqdin la’aan.
  19. Waxayse yiraahdeen, “Rabbiyow noo kala fogee masaafooyinka safarkayaga oo ka dhig mid dheer,” oo waxay dulmiyeen nafahoodii, markaasaan waxaan ka dhignay sheekooyin [lagu sheekeysto], waana kala goynay kala goyn dhan. Xaqiiqdii, tani gudaheed waxaa ugu sugan calaamooyin sabar badane kasta oo shukriyid badan.
  20. Oo waxaa dhabtii ku rumoobay dadka korkooda Ibliis malihiisii, oo way raaceen, marka laga reebo wax yar oo ka mid ah mu’miniinta.
  21. oo kuma laha korkooda [mu’miniinta] wax awood ah, wax kalena uma aan yeelin taa aan ahayn inay kala muuqata kan rumeysan Aakhirada iyo kan ka shakisan. Oo Rabbigaana wax walba korkood waa dhowre xafida.
  22. Ku dheh [Muxammadow US kuwaa mushrikiinta ah], “U yeerta kuwa aad xustaan Allaah sokadi [ oo la wadaajisaan cibaadada], kuma laha wax saxar le’eg [ama quraanyo yar] cirarka gudahooda ama dhulka korkiisa, oo kuma laha wax wadaag ah [shirko ama saameyn ama wax ku darsi] dhexdooda midna [cirarka iyo dhulka] oo kuma laha dhexdooda khalqiga wax caawiye ah.
  23. Oo kuma anfacdo shafeeco agtiisa, mid uu isagu u idmo ma’ahee. markase laga faydo cabsida quluubtooda [malaa’iigta], waxay yiraahdaan: Muxuu yiri Rabbigiin?” waxay yiraahdaan, “Xaq. Waana Sarreeyaha, Wayn.
  24. Ku dheh [Muxammadow mushrikiinta], “Yaa idinka irsaaqa cirarka iyo dhulka?!’ Dheh, “Allaah; oo xaqiiqdii, innaga ama idinka mid uun baa hanuunsan ama ku sugan baadi cad.”
  25. [Muxammadow] ku dheh [mushrikiinta, gaalada iyo wixi lamida], “La idin ma waydiinayo wax ku saabsan dunuubtayada, innagana nala ma weydiinayo waxa aad fashaan.
  26. Dheh, “Waxaa na kulmin doona Rabbigeen [Maalinta Qiyaamaha], markaasuu inoo kala xukmin doonaa si xaq ah. Waana Isaga garsooraha, Cilmiga Badan.
  27. Ku dheh [Muxammadow mushrikiinta], “I tusa kuwa aad raacisaan [Allaah] shuruko ahaan aad la wdaajisaan cbiaadada, mayee [ma jiraan haba yaraatee wax shaiirkyo la ah] mayee’ waa Allaah [Macbuudka Xaqa ah] A wood Badanaha, Xikmadda Badan.”
  28. Oo kuuma aannu soo dirin [Muxammadow $] waxaan ahayn dadka oo dhan bishaareeye ahaan iyo dige, laakiinse dadka badankiinsu ma oga.
  29. Oo waxay oran doonaan, “Waa goorma yaboohakani [Maalinta Qiyaamha goorta ay dhici doonto] haddii aad run sheegeysaan.?
  30. Dheh [Muxammadow ££] Madasha la idiin qabtay waa Maalin, aydaan dib u celin kareyn saacadna [ama daqiiqad] aydaanna ka soo hormari kareyn.”
  31. Oo waxay yiraahdeen kuwii gaaloobay, “Ma mmeynayno Qur’aankaan iyo wixii ka horreeyay midna, haddiise aad arka lahayd Daalimiinta [mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iyo wixi lamida] oo la hor joojiyay Rabbigood, sida ay isugu tuurtuuri doonaan qowlka [eedda] qaarkoodba qaarka kale! Waxay ku oran doonaan kuwii tabarta yaraa [raciyaddii ku raacdaya xaq darrada] kuwii isla waynaa [madaxda], “Haddii aydaan jirteen waxaan ahaan lahayn mu’miniin.”
  32. Kuwii isla waynaa [madaxda] waxay ku oran doonaan kuwii tabarta yaraa [raciyaddii ku raacday xaq darrada], “Ma innaga baa idinka celinnay hanuunka kaddib markii uu idiin yimid? Mayee’ bal waxaad ahaydeen idinkuba Ivluj nmiin [mushrikiin, gaalo, denbiilayaal, iyo wixi lamida].
  33. Oo kuwii tabarta yaraa [Raciyadii xaq darrada ku raacday madaxadoodii] waxay ku oran doonaan kuwii isla waynaa [madaxda], “Mayee’ waxaa hanuunka naga celiyay qooliddiinnii habeen iyo maalinba, markii aad na amarteen inaan ku gaalowno Allaah oo u yeello shariigyo. Oo waxay ka qoomamoon doonaan [ku caasiyoobiddoodii Allaah waayihii nolosha adduunka] marka ay arkaan cadaabka, waxaannuna yeelli doonaa koorar bir ah hareeraha luqumaha kuwii gaaloobay, Miyaa laga abaal marin [gaalada] waxaan ahayn wixii ay camal [xun] fali jireen?
  34. Oo ma jirto magaalo aan u dimay dige, oo aysan oran ladanayaasheedii [yacni kuwoodii la siiyay maalka iyo raaxada adduunka oo ka mid ahi], “Innagu waxa la idinla soo diray waan ku gaalownay.”
  35. Oo waxay yiraahdeen, “Innaga baa ka maal iyo carruurba badan, oo ma nihin kuwa la cadaabayo.
  36. Dheh [Muxammadow M], “Xaqiiqdii, Rabbigay wuxuu u fidiyaa risiqa kii uu doono [oo sidoo kale] ku ciriiriyaa [kii uu doono], laakiinse dadka badankiisu ma oga.
  37. Oo ma aha maalkiinna iyo carruurtiinna waxa noo kiin soo dhoweeya, hase yeeshee kii [Xaqa] rumeeya oo fala camallo wanaagsan, kuwaasi waxaa u sugnaaday abaalmarin labalaab ah wixii ay faleen darteed oo camallo san ah, waxayna ku sugnaan doonaan qowlado sare [janno] iyagoo nabad iyo aamin ah.
  38. Kuwase ka hor yimaada Aayadahayaga si ay u galiyaan qallooc, kuwaas cadaabka baa la soo xaadirin.
  39. Dheh, “ Xaqiiqdii, wuxuu Rabbigay u fidiyaa risiqa kii uu doono oo addoo- mmahiisa ka mid ah, oo [sidoo kale] ku ciriiryaa [kii uu doono], oo wixii aad u bixisaan [Allaah Darti] oo wuxuun ah, [Allaah] baa idiin cawil celin doona, oo Isaga baa u khayr badan inta wax irsaaqda.
  40. Oo [xus] Maalinta uu Allaah soo kulmin doono dhammaan gaalada, markaas uu ku oran doono malaa’igta, “Kuwani ma idinka bay idin caabudi jireen?”
  41. Waxay [malaa’igtu] oran doonaan, “Adigaa Nazahane oo Nuqsaan kaa Dheer yahay, waa Adiga Waligayo [yacni Rabbigayo] iyaga ka sokow. Mayee, waxay caabudi jireen jinka oo badankoodu rumaysnaayeen.
  42. Maantase [Maalinta Qiyaame] uma hanan karo qaarkiinna qaarka kale dheef iyo dhib midna, oo waxaannu ku oran doonnaa kuwii falay dulmiga [shirkiga iyo macaasida], “Dhadhamiya Cadaabka Naarta ee aad beenin jirteen.
  43. Oo Markii loo akhriyo Aayadahayaga cad-cad, waxay yiraahdaan, “Kani [Muxammad 3S] ma aha waxaan ahayn Nin raba inuu idinka hor istaago wixii ay caabudi jireen aabbayaashiin.” Oo Waxay yiraahdeen:” kanu [Qur’aanku] wax kale ma’aha aan ahayn been abuur.” Oo waxay kuwii gaaloobay ka yiraahdeen xaqa markii uu u yimid [waa Nabi Muxammad iyo Qur’aankan iyo wixi lamida], “Waxakanu ma aha wax aan ahayn sixir iska cad!”
  44. Oo ma aannu siin iyaga [Carabta] Kutub ay darsaan, oo uma aannu soo dirin adiga [Muxammadow $s] hortaa wax dige ah [ Rasuul].
  45. Oo waxay beeniyeen [Xaqa] Kuwii ka horreeyay baana beeniyay, kuwakani [Mushrikiinta Carbeed] lama siin toban meeloodoo meel wixii aan siinnay kuwaa [ka horeeyay ee tegey]; sidaa iyadoo ay tahay bay haddana beeniyeen Rusushaya- dii. ee sidee mid daran u aheyd Cadaabteydii [aan cadaabay kuwaas xaqa beeniyay].
  46. Dheh [Muxammadow] waxaan idinku waaninayaa mid keliya; waa inaad u istaagtaan Allaah labo-labo iyo mid mid, oo markaas ka fekertaan [taariikh noloeedkii_siiradii Nabiga 41]; ma qabo rafiiqiin [Muxammad] waalli, waa oo keliya dige idiinka digaya cadaab daran oo soo fool leh.
  47. Dheh [Muxammadow], “Wixii aan idin weydiiyo oo ujuuro ah, waa waxaad idinku leedihiin. Ujuuradayda waxaan ka sugayaa xagga Allaah Keliya. Oo wax walba isagu [Allaah] waa u Jeedaa.
  48. Dheh [Muxammadow JS]” Xaqiiqdii, Rabbigay wuxuu soo dejiyaa Xaqa [oo xumaantuu ku tiraa] waa Ogsoonaha Ġaybka [wax aan muuqan ee qarsoon]
  49. Dheh [Muxammadow Sj]: Xaqii waa yimid, Baadilkana [Shaydaan] ma karo inuu abuuro [waxna] ama ka soo bixiyo [iilka].
  50. Dheh, “Haddii aan dhumo waxaan u dhumay nafteyda. Haddiina aan ku sugnaado hanuunka, waa sababta waxa uu ii waxyoodo Rabbigay. Xaqiiqdii [Allaah] waa Maqal Badane, dhow.
  51. Oo haddii aad arki lahayd [Muxammadow], marka ay qarracmi doonaan [gaalada] oo jirin meel ay u cararaan, oo waxaa laga soo qabqaban doonaa meel dhaw.
  52. Oo waxay oran doonaan [Aakhirada], “Waan rumaynay [haatan]!” Sidee baase looga aqbalayaa toobadooda xagga Allaah] iyagoo meel aad u fog ahi [suuragalayn inay u laabtaan noloshii adduunka mar kale].
  53. Oo waxay dhabtii ku gaaloobeen [Allaah, Islaamka iyo Nabi Muxammad] awal hore [adduunkii dhexdiisa], oo waxay ka tuurayeen ġaybka [waxa aan muuqan ee qarsoon, sida nolosha dambe ee Aakhirada, in laysku janneyn qabriga ama laysku cadaabayo, Naarta, Jannada, soo Bixinta iilka layska soo saarayo, iyo Yabooha Allaah, iyo wixi lamida [iyagoo ka lahaa] waxaasi oo dhammi run ma aha] meel fog.
  54. Oo waa la kala oodi doonaa iyaga iyo waxa ay rabaan [waa aqbalaadda Iimaanka], sidii lagu falayba kuwii la midka ahaa ee ka horreeyay. Waxay ahaayeen kuwo ku sugan shaki badan.

Suuradda 35aad: Faadir | Maalaa’ikah [Askumaha Uunka | Malaa’igta]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Askumaha cirarka iyo dhulka, ee ka yeelay malaa’igta Rusul baalal leh_labo labo ah ama saddex seddex ama afar afarba. Wuxuu ku kordhiyaa abuurista wixii uu doono. Xaqiiqdii, Allaah wax waliba waa Karaa.
  2. Wixii uu Allaah u furayo dadka oo Naxariis ah, ma jiro wax celin kara, oo wixii uu celiyo ma jiro wax soo dayn [bixin] kara Gadaashiis. Waana Isaga Awood Badanaha, Xikmadda Badan.
  3. Dadow! Xusa Nicamadda Allaah ee korkiinna; Ma waxaa jira abuure kale aan ahayn Allaah oo idinka irsaaqa cirka iyo dhulka. Ma jiro Ilaah [Xaq ah] aan Isaga [Allaah] ahayn. Ee xaggee la idiinka iilayaa [Xaqa]?
  4. Oo haddii ay ku beeniyaan [Muxammadow], waxaa dhabtii la beeniyay [sidaas oo kale] rusul kaa horreeyay, oo xagga Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan.
  5. Dadow! Xaqiiqdii, Yabooha Allaah waa Xaq. Ee yaysan idin hodin noloshan soke ee adduunka, oo yuusan idinka hodin Allaah kan hodista badan [Shaydaan].
  6. Xaqiiqdii, Shaydaanku wuxuu idiin yahay cadow, ee idinkuna ka yeesha oadow. Wuxuu oo keliya ugu yeeraa Xisbigiisa [wixii raaca] inay ka mid noqdaan ehlu Naarka.
  7. Kuwa gaalooba waxay leeyihiin cadaab daran; kuwase [Xaqa] rumeeya oo fala camallo wanaagsan waxay leeyihiin danbi dhaaf iyo Ajar Wayn [Janno].
  8. Ma mid loo qurxiyay camdlkiisa xun, sidaa awgeed u arka wax wanaagsan [baa la siman mid hanuunsan]? Xaqiiqdii, Allaah wuxuu dhumiyaa kii uu doono, oo hanuuniyaa kii uu doono, ee yaysan naftaadu ku tegin murug iyo calool xumo dartood kuu qabta Xaqiiqdii, Allaah waa Og yahay waxa ay Samaynayaan.
  9. Oo Allaah waan Kan soo dira dabaylaha, Sidaa darteed waxay kiciyaan daruuro, Waxaana u kaxeynaa xagga arlo dhimatay [abaarowday], oo ku nooleynaa roobkaa arladaa dhimshadeeda kaddib, waa sidaas ookale sooBixintu.
  10. Kii rabaa sharaf [ciso, darajo], Allaah baa iska leh ciso [awood, sharaf] dhammaanteed [qofkuna wuxuu ku heli karaa sharaf, ciso, awood, iyo darajo oo keliya inuu adeecaa oo caabudaa Allaah Keliya oo fasho camallo wanaagsan]. Xaggiisa bay u koraan [dhammaan] hadallada wanaagsan, camallada wanaagsanna kor bay u qaadaan [macnaha waxaa weeya hadallada wanaagsaan lagama aqbalo xagga Allaah in maahee iyo jeer looga dhabeeyo camallo ahaan], kuwase qoola xumaha, waxay leeyihiin cadaab daran. Dhagarta kuwaasuna waa baabbi’i.
  11. Oo Allaah wuxuu idinka abuuray [waa Aadam] ciid, misna tifiq [biyaha shahwada ah, mino waa taa buu ka abuuraa firka Aadam], dabeeto wuxuu idinka yeelay noocyo [lab iyo dheddig] oo ma jirto mid dheddig ah oo rinta ama dhasha oo uusan ogayn, oo ma jiro oday da’ah oo la cimrisiiyay, iyo cimrigiisa oo wax laga dhimo [ama nin kale cimrigiisa] oo aan ku qomayn Kitaab [Lawxa Maxfuudka]. Hubaashii.taasi Allaah waa u Fududdahay.
  12. Oo ma aha isku mid labada badood [noocyada biyaha], kani waa mac aan muguc ah oo cabbiddiisu qurquro tahay, kanina waa milix jaan ah oo dhanaan, oo mid walbaa labada [badood] waxaad ka cuntaan hilib dubaax ah [kalluun_mallay], oo waxaad kala soo baxdaan luul, jawaahir ee aad u qurux xirataan. Oo waxaad arkaysaa doomaha oo [biyaha badda], si aad u dhexmaaxaya doonataan Deeqdiisa, bal inaad kushukridaan.
  13. Wuxuu galiyaa habeenka maalinta, wuxuuna galiyaa maalinta habeenka. Oo wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, mid walbaa wuxuu ku socdaa manriinkiisa muddo magacaaban. Sidaas waxa yeelay waa Allaah, Rabbigiin; Isaga baa leh xukunka, waxaadse baryaysaan ama aad u dhawaaqanaysaan Allaah sokadi ma leh xitaa xuub laf timireed.
  14. Haddii aad baridaan [ama u yeerataan],’ ma maqlaan baryadiinna [yeeritaanka aad u yeerataan], haddii ay idin maqli lahaayeenna, ma kareyn inay idinka ajiibaan [muraadkiina iyo waxa aad ugu dhawaaqateen]. Maalinta Qiyaamahana [kuwaa aad u dhawaaqan jirteen ama baryi jireen Allaah sokadi ee leh anbiyo, malaa’ig, awliyo, iyo wixi lamida] way iska barii yeeli doonaan shirkigiinna. Mana jiro cid wax kuugu sheegi kartaa [Muxammadow St] sida Allaah ee Isagu ah Ogsoonaha wax walba.
  15. Dadow! Waa idinka kuwa ah fuqarada [u baahan] Allaah, oo Allaah waa Qani [ka deeqtoon wax waliba aan u baahneyn cid iyo sheyna oo hodan ah] Mudan Ammaan oo dhan.
  16. Haddii uu doono, waa idin baabbi’in, oo keeni beddelkiin uun cusub.
  17. Oo taasi ma aha wax Allaah ku adag.
  18. Oo nafna ma qaaddo naf kale dambigeed; oo haddii loogu yeero naf la cuius danbiyo, [inuu ka qaado] mid kale culayskiisa [dambiyadiisa], lagama qaado waxna, xitaa haddii uu la yahay qaraabo dhow. Waxaa [Muxammadow is] sideedaba qaata digiddaada kuwa uga baqa Rabbigood maqnaanta [yacni iyagoo aan ku arag adduunka], oo u ooga salaadda si wanaagsan. Kii iska daahinyaana [danbiyada] waxay dan u tahay is daahirintaas naftiisa, oo waa Xagga Allaah noqodka [geerida dabadeed].
  19. Ma sinna indhoolaha [gaal] iyo mid wax arka [mu’min].
  20. Oo ma siinna mugdiga [gaalnimada] iyo nuurka [Islaamka].
  21. Oo ma sinna harka iyo kuleylka.
  22. Oo ma sinna kuwa nool [mu’miniinta] iyo kuwa baqtiga ah [gaalada], Xaqiiqdii, Allaah Wuxuu wax maqashiiyaa ciddii uu doono, adiguse wax ma maqashiin kartid kuwakujira qubuuraha.
  23. Waxaad adigu [Muxammadow] tahay oo keliya dige.
  24. Waxaan Annagu kula soo dirnay Xaq, bishaareeye iyo dige ahaan. Oo ma jirto ummad aan loo soo dirin dige.
  25. Oo haddii ay ku beeeniyaan, waxaa beeniyay [sidoo kale] kuwii ka horreeyay, waxay ula timid Rusushoodii caddaymo iyo Qoraallo iyo kitaab wax ifiya.
  26. Markaas baan qabtay kuwii gaaloobay, ee sidee bay ahayd ciqaabtaydii.
  27. Ma waadan arkayn in Allaah ka soo dejiyo biyo [roob] cirka, Waxaannuna ku soo saamaa biyahaas mirayow midabbadoodu kala ‘ duwan yihiin, oo waxaa ka mid ah buuraha dhabbooyin cad-cad iyo kuwa gad-gaduudan oo midabyadoodu kala duwan yihiin iyo kuwo qundi madow ah.
  28. Iyo dadka iyo duunyada duur joogga ah] iyo xoolaha nicmooleyda ah, oo sidooda u kala midabyo duwan. Sideedana waxaa ka baqa Allaah kuwa cilmiga leh ee ka mid ah addoomahiisa. Xaqiiqdii, Allaah waa Awood Badane, danbi Dhaaf Badan.
  29. Xaqiiqdii, kuwa akhriya Kitaabka Allaah [Qur’aankan] oo u ooga salaadda si wanaagsan, oo wax uga bixiya [sadaqeysta] waxa aanu ku irsaaqnay sir iyo saaqba, waxay rajeeyaan ganac la hubo faa’ideeda, oo aan marnaba baari doonin.
  30. Si uu Allaah ugu oofiyo abaalladooda si dhan, oo uga ziyaadiyo wax ka mid ah Fadligiisa. Xaqiiqdii! Waa danbi Dhaaf Badane, Mahad celin Badan.
  31. Oo kaan kuu waxyoonnay [Muxa- mmadow M] oo Kitaabka [Qur’aanka] ah waa Xaqa dhabta ah [ee adiga Muxammad iyo wixii ku raaca ay ku waajib ku tahay inay ku camal falaan amarrada ku soo arooray iyo waxayaalaha uu amrayo] wu- xuuna waafaqsan yahay wixii [la soo deji- yay] hortiis [oo Kutubbo ah]. Xaqiiqdii! Allaah addoomahiisa waa’ka War Qabaa, oo Aikaa.
  32. Oo waxaan dhaxalsiinnay Kitaabka [Qur’aanka] kuwaan doorannay oo addoomahayaga ka mid ah [kuwii raacay tfabi Muxammad Ss], waxaase ka mid ah qaar duhniya naftooda, iyo qaar dhexdhexaysta, iyo qaar ku hoireeya khayrka Idanka Allaah. Taas baa ah fadliga Wayn
  33. Beero negaadi ah [Jannatu Cadni] bay gali doonaan iyagoo loogu xiri doono jinjimo dahab iyo luul ah, dharkooduna dhexdeeda waa xariir.
  34. Oo waxay oran doonaan, “Ammaan idikeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee innaga bi’iyay murugo [oo dhan]. Xaqiiqdii, Rabbigayo waa Denbi Dhaaf Badane, Mahad Celin Badan.
  35. Kan nagu dajiyay Daarta Negaadiga [Jannada] Fadligiisa; naguma taaban doono dhexdeeda dhib, oo naguma taaban doono daal.
  36. Kuwiise gaaioobay waxay leeyihiin Naarta Jahannamo. Laguma xukumi doono geeri si ay u dhintaan, oo lagama khafiifan doono cadaabkeeda Sidaas oo kale baan ugu abaalgudnaa mid kasta oo gaalnimo badan.
  37. Iyagoo ku barooran doona dhexdeeda, “Rabbiyow! Naga bixi [Naarta], waxaan fali doonnaa camallo wanaagsan oo aan ahayn kuwii [camalladii xumaa] aan fali jimay. “[Allaah baa ku jawaabi doona], “Ma waanan idin cimri siin in idinku filan uu qofkii waansamaya uu ku waansami karo? Oo idiin iman Dige. Ee dhadhamiya [xumaantii camalladiinna]. Ma laha Daalimiintu [mushrikiinta, gaalada, iyo dambiilayaasha] wax u garaara.”
  38. Xaqiiqdii, Allaah waa Ogsoonaha ġaybka [waxa ku qarsoon] cirarka iyo dhulka. Xaqiiqdii! Waa Isaga Ogsoonaha waxa ku jira laabaha.
  39. Waa [Allaah] Kan idinka dhigay kuwo dhulka isku beddela, ee kii gaalooba isaga bay dhibeysaa gaalnimadiisu. Oo uma kordhiso gaalada gaalnimadooda Rabbigood agtiis waxaan ahayn Caro, oo uma kordhiso gaalada gaalnimadooda waxaan ahayn Khasaaro.
  40. Dheh [Muxammadow], “Ka warrama kuwa aad la wadaajisaan Allaah cibaadada aad baryaysaan [oo u dhawaaqanaysaan] Allaah sokadi, i tusa waxay abuureen oo dhulka ka mid ah? ama saami ay ku leeyihiin cirarka? Mise waxaan siinnay Kitaab oo ay xujeystaan caddayn ahaan? Mayee’ Daalimiintu uma yaboohaan midkoodba mid kale waxaan ahayn dhagar.
  41. Xaqiiqdii! Allaah baa ka haya cirarka iyo dhulka inay ka suulaan [tagaan] meelahooda, oo haddii ay ka suulaan meelahooda, ma jiro mid qaban kara oo Isaga ka dambeeya. Xaqiiqdii, Isagu [Allaah] waa Dul-Badne, Danbi Dhaaf Badan.
  42. Oo waxay ku dhaarteen Allaah dhaartooda ugu adag; in haddii uu u yimaado dige ay ahaanayaan kuwa ka sii hanuunsan ummadahii kale oo dhan [ee ka hoireeyay], markiise uu u yimid dige [Muxammad uma kordhin waxaan ahayn didmo [iyo diiddo xaqa].
  43. [waxayna u diideen xaqa sababta] ah ku kibirkooda dhulka iyo qooliddooda dhagar xun. Kumase dhacdo dhagarta xun waxaan ahayn ciddii sameysay. ee ma waxay sugayaan wax kale a an ahayn waddadii kuwii hore? Mana ka heleysid Sunnada [hannaanka uu wax u maamulo] Allaah wax is beddel ah. Oo kama heleysid Sunnada ilaahay wax is rogid ah.
  44. Mawaysan marin dhulka oo fiirin sida ay aheyd ciribtii kuwii ka horreeyay, waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan? Oo ma jiro wax Allaah ka baxsan kara oo jooga cirarka ama dhulka midna. Xaqiiqdii [Allaah] waa Cilmi Badane, Awood Badan.
  45. Oo haddii uu Allaah u qaban lahaa dadka waxay kasbadaan [ oo xumaan ah], kagama tageen dhulka korkiisa noole nuuxnuuxsada, laakiinse wuxuu u dib dhigaa ilaa muddo magacaaban, markiina ay timaaddo muddadoodu [geeridoodu], xaqiiqdii, Allaah addoomahiisa waa Mid Arka.

Suuradda 36aad: Yaa-Siin

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Yaasiin. [Xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, Oo Allaah oo Keliya baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Waa igu Qur’aanka, Xikmadda Badan.
  3. Waxaad adigu [Muxammadow S] ka mid tahay kuwa la soo diry [Rususha].
  4. Waxaadna ku taagan tahay jid toosan.
  5. [Qur’aankuna] Waa soo dejinta Allaah, Awood Badanaha, Naxariista Badan.
  6. Si aad ugu digto qoon aan loo digin aabbayaashood, oo iyagu war la’.
  7. Waxaa dhabtii ku dhaboobay Qawlkii cadaabta badankood, marka ma rumeyn doonaan.
  8. Waxaannu Annagu yeellay luquma- hooda koorar bir ah gaaraya ilaa garka, sidaa awgeed madaxyadoodu waa tiqraaran yihiin.
  9. Waxaannuna yeellay hortooda xannib, gadaashoodana xannib kale, Waxaana ku rognay caad [indhahooda], sidaa darteed wax ma arkaan.
  10. Waana isugu mid haddii aad u digto ama aadan u digin, ma rumeeyaan.
  11. Sideedaba waxaad u digi karaysaa [oo ay anfaceysaa digaddu] oo keliya kii raaca Waanada [Qur’aanka] oo kaga baqa Raxmaanka [Allaah] maqnaanta [yacni jsagoo aan adduunka ku arag]. Ee ugu bishaaree midkaa oo kale danbi dhaaf iyo ajarwanaagsan [waa Jannada].
  12. Waxaannu Annagu nolol galinnaa meytida, waana qomaa wixii ay hormarsadeen, iyo raadadkoodiiba, wax walbaana waxaynu ku koobnay [oo qoraay] Kitaab cad [Looxa Maxfuudka].
  13. Oo waxaad ugu soo qaadataa tusaale; [qisada] qoladii magaaladii, [waxaa la sheegay inay magaaladaa aheyd Antaakiya], markii ay u yimaadeen Rusushii [loo soo diray].
  14. Markii aan u soo dimay xaggooda labo [Rasuul], oo ay beeniyeen, markaas baan ku xoojinnay mid saddexaad oo waxay yiraahdeen, “Innagu idinka baa naloo kiin soo diray Rusul ahaan.
  15. Waxay [dadkii magaaladu] yiraahdeen, “Ma tihidin waxaan ahayn dad nala mid ah, oo ma soo dejin Raxmaanku [Allaah] waxba, idinkuna ma sheegeysaan waxaan ahayn been.”
  16. Waxay [Rusushii] yiraahdeen, “Rabbigayo baa og in idinka naloo kiin soo diray.
  17. Oo nama saama waxaan ahayn inaan idin soo gaarsiinno [Dhambaalka Allaah] si cad.”
  18. Waxay [gaaladii] yiraahdeen: Innagu . waa idin shareysannay, haddii aydaan meel joogin, hubaashii waa idin dhagax- yayneynaa, oo waxaa idinka taaban doonaa xaggayaga cadaab xanuun badan.”
  19. Waxay [Rusushii] yiraahdeen, “sharey- sigiinnu waa la jirkiin, [waa yaabe ma waxaad sharey saney sa an] in la idin waaniyay darteed? Mayee, waxaad tihiin qoon xadgudub badan.
  20. Oo waxaa ka yimid magaalada dhankeeda shishe nin rooraya, wuxuu yiri, “Qawmkayow! Raaca rususha.”
  21. “Raaca kuwo aan idin weydiisaneyn ujuuro, oo iyagu hanuunsan.
  22. “Oo maxaanan u caabudayn [Allaah Keliya] ee ah kan i abuuray oo Xaggiisa la idin celin doono.
  23. “Ma waxaan yeeshaa Allaah sokadi ilaahyo [baadil ah], haddii uu Raxmaanku [Allaah] ila doono dhib, aanay i tareyn shafeecadoodu waxba, oo aan ibadbaadin karayn?
  24. “Waxaan anigu markaas ku suganahay baadi iska cad.
  25. “Waxaan anigu rumeeyay Rabbigiin, ee imaqla.”
  26. Waxaa lagu yiri [markii ay gaaladii dileen], “Gal jannada.” Wuxuu yiri, “Alla qawmkaygii muu ogaado!”
  27. “Waxa Rabbigay [Allaah] iigu danbi dhaafay, uuna iiga mid yeelay kuwa la maamuusay.”
  28. Oo Ugama aannu soo dejin qoonkiisii gadaashiis wax ciidan ah xagga cirka, mana aannu ahayn kuwa soo dejin.
  29. Ma ahayn wixii lagu halaagay waxaan ahayn Qeylo keliya, markaasay wada baseen [baqtiyeen].
  30. Shallayti waxay u sugnaatay addoomaha. Ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.
  31. Mawaysan arkayn intee baan halaagnay . hortood qaaruumo? Aan xaqiiqdii iyagu xaggooda usoo noqon doonin.
  32. Oo kulligood iyagoo dhan Hortayada baa la keeni doonaa oo lagu soo kulmin.
  33. Oo waxaa Calaamo u ah dhulka dhinta H [aboorooba] oo aan nooleyno, kana soo \L saamo xaggeeda miro ay wax ka cunaan.
  34. Oo Waxaan yeellay [arlada] dhexdeeda beero timir ah iyo canabyo, Waxaana ka burqinnay dhexdeeda ilo [biyo ah].
  35. Si ay u cunaan wax ka mid ah mirihiisa, mana ay an sameyn gacmahoodu. Ee Ma waysan shukriyayn.
  36. Waxaa Nazahan [Allaah], ee abuuray dhammaan noocyada ka mid ah waxaa uu dhulka soo saaro, sidoo kale nafahooda [dadka] ka abuuray noocyo [lab iyo dheddig] iyo wax aysan ogaynba.
  37. Oo waxaa Calaamo ugu filan habeenka, Waxaan ka soo siibnaa maalinta, mise waxay ku jiraan mugdi.
  38. Qorraxduna waxay ku oroddaa jidkeeda cayiman. Sidaasi waa Qaddarka Awood Badanaha, Cilmiga Badan.
  39. Oo dayaxa Waxaan u qaddamay rugo [uu gooyo ama maro] ilaa uu noqdo sida r a an gabowday oo kale.
  40. Uma suurowdo qorraxda inay haleesho dayaxa. habeenkuna inuu ka hormaro maalinta. Mid walbaana wuxuu ku dabaashaa garangar dhexdeeda.
  41. Oo Waxaa Calaamo ugu filan inaan ku qaadnay ubadkoodii Doontii buuxday [ee Nuux].
  42. Oo Waxaan uga abuuraynaa iyada oo kale wax ay fuulaan.
  43. Oo haddii aan doonno, waan hafineynaa, markaa ma leh wax u soo gurmada [oo maqla u qeyla dhaansigooda gurmadka iyo gargaarka] oo lama badbaadiyo.
  44. Inay ka ahaato mooyaane Naxariis Xaggayaga iyo u raaxayn ilaa muddo.
  45. Oo marka lagu yiraahdo, “Iska jira waxaa ah hortiinna [Cadaabka adduun] iyo waxa ah gadaashiinna [Cadaabka aakhiro] si la idiinkugu naxariisto.
  46. Oo Aayad kasta oo u timaadda oo ka mid ah ah Aayadaha Rabbigood, way ka sii jeesadaan.
  47. Oo marka lagu yiraahdo, “Wax ka bixiya waxa uu idinku irsaaqay Allaah, “kuwa gaaloobay waxay ku yiraahdaan kuwii [Xaqa] rumeeyay, “Ma waxaan quudineynaa kuwo haddii uu Allaah doono uu quudin lahaa? Waxaad idinku ku sugan tihiin uun baadi cad.
  48. Oo waxay yiraahdaan, “Waa goorma yaboohakani [Qiyaamaha], haddii aad run sheegaysaan?”
  49. Ma sugayaan waxaan ahayn hal Qaylo, ooqaban doonta iyagoo murmaya.
  50. Oo ma kari doonaan inay sameeyaan dardaaran, ehelkoodiina uma soo noqon doonaan.
  51. Oo waxaa la aafuufl doonaa Suurka [waxaa loola jeedaa afuufidda labaad ee Buunka] mise Xagga qubuuraha bay ka soo yaaci doonaan iyagoo xagga Rabbigood u soo degdegaya.
  52. Waxay [gaaladu] oran doonaan, “Hoognayeey! Yaa naga soo kiciyay meeshayadii aan hurudnay [Qubuurtayadii]. “[Waxaa lagu oran doonaa], “Waxakanu waa wixii uu Raxmaanku [Allaah] yaboohay, oo run bay sheegeen Rusushii la soo diray.”
  53. Waxay ahaan doontaa oo keliya hal qaylo [afuufiddaa labaad ee Buunka], Mise! Waxay dhammaan ahaan doonaan kuwo Hortayada la keeno oo lagu soo kulimyo.
  54. Maanta [Maalinta Qiyaame] lagama dulmiyo nafna waxba, mana la idinku abaal mannayo waxaan ahayn wixii aad fali jirteen.
  55. Xaqiiqdii, ehlu-Jannuhu, Maalintaas, waxay ku shuqlooyin yihiin waxyaalo farxad leh, faakiheysi iyo raaxeysi.
  56. Iyaga iyo afooyinkoodu waxay ku sugnaan doonaan hoosas farxad leh, iyagoo ku dangiigsanaan sanira korreeya.
  57. Waxay ku leeyihiin dhcxdccda jannada faakihooyin [nooc kasta leh] iyo wixii ay dalbaanba.
  58. [Waxaa lagu oran doonaa], “Salaam [Nabad qaba], waa Qawl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan.
  59. [Waxaa lagu oran doonaa mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iyo wixi lamida]: Idinkuna Mujrimiintooy! Ka soocma oo gees uga baxa Maanta [xagga mu’miniinta]
  60. Mawaanan idinku waajibin lima Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan. Xaqiiqdii, wuxuu idiin yahay cadow cad.
  61. Iyo inaad i caabuddaan Aniga [Keliya] Sidaas baa ah jid toosan
  62. Oo wuxuu dhabtii [Shaydaan] habaabiyay uuman badan oo idinka mid ah. Ee mawaydaan ahayn kuwo wax garta?
  63. Tani waa Naartii la idiin yaboohayay.
  64. Ee gala oo ku gubta dhexdeeda Maanta, waa wixii aad gaaloobi jirteen darteed.
  65. Maanta, Waxaynu dabooleynaa afaf- kooda, oo waxaa nala hadli doona gacmahooda, oo waxaa ku marag furi doona lugahooda wixii ay kasban jireen.
  66. Oo haddii aan doonno, waxaan malaaseynaa [oo cameyn] indhahooda, oo markaas ay u degdegaan Jidka, Sidee bayse wax u arkayaan?
  67. Oo haddii aan doonno, waxaan u rogi Iahayn [xoolo ama waxyaalo aan naf lahayn] iyagoo meeshooda ah, markaasna ma karayn inay horey u socdaan iyo inay soo noqdaan midna.
  68. Oo kii aan siinno cimri dherer, W axaan rognaa abuur ahaan [yacni tabar gabsiinnaa quwad iyo xoog kaddib]. Ee mawaysan garasho lahayn?
  69. Oo ma aannu barin isaga [Muxammad #] gabay, oo ma aha wax ku habboon. Kani waa oo keliya Waano iyo Qur’aan iska cad.
  70. Si uu ugu digo kan nool [waa mu’minka] oo Qowlku [yacni Kelmedda Cadaabta] ugu waajibto gaalada.
  71. Mawaysan arkayn inaan u abuumay waxa ay gacmahayagu sameeyaan oo xoolo ah, ay iyagu hantaan oo leeyihiin.
  72. Oo Waan u laylinnay, sidaa awgeed qaarkood waxay u heystaan rukuub ahaan qaama waa ay cunaan.
  73. Oo waxay u leeyihiin manaafacaad kale [oo kuwaa barbar ah], iyo [caano] ay cabbaan. Ee Mawaysan shukriyayn?
  74. Waxayse yeesheen Allaah sokadi ilaahyo [baadil ah], inay u gargaaraan.
  75. Ma karaan gargaarkooda, balse waxay u yihiin iyaga ciidan heegan ah. [ama waxaa loo soo xaadirin doonaa ciidan ahaan col ku ah [kuwii caabudayay Maalinta Qiyaamaha].
  76. Ee yaysan ku murugo galin hadalkoodu [Muxammadow]. Xaqiiqdii, Waan ognahay waxa ay qarsanayaan iyo waxa ay muujinayaanba
  77. Mawuusan ogayn aadanuhu inaan ka abuuraay Tifiq [biyo shahweed ah, mino]. Mise waa col iska cad oo dood badan.
  78. Oo wuxuu noo soo qaatay tusaale, oo hilmaamay abuuristiisii. Wuxuu yiri, “Yaa nooleynaya lafaha iyagoo baaliyoobay?
  79. Dheh [Muxammadow “Waxaa nooleynaya kii unkay markii hore. Oo abuur walba dhab u ogsoon.
  80. Kan idiinka yeelay geedka cagaaran dab, oo markaas aad idinku hursataan.
  81. Ma wuusan Kan abuuray cirarka iyo dhulka awoodin inuu abuuro iyagoo kale? Haahoo, Waana Isaga Abuurid Badanaha, Cilmiga Badan.
  82. Sideedaba Amarkiisu, markii uu doono wax, waa inuu ku yiraahdo uun “Ahaw!” waana ahaadaa!
  83. Ee waxaa nazahan oo nuqsaan ka dheer [Allaah] Kan ay ku jirto gacantiisa xukumka wax walba, oo xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa.

Suuradda 37aad: As-Saafaat [Kuwaa la safay safafka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waa igu kuwaa [malaa’igta] safta safafka.
  2. Iyo kuwa u soo kaxeeya daruuraha si wanaagsan.
  3. Iyo kuwa akhriya Qur’aanka.
  4. Xaqiiqdii Ilaahiinnu waa Mid [Keliya].
  5. Rabbiga cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya, oo ah Rabbiga qorrax ka soo baxyada.
  6. Waxaynu Annagu ku qurxinnay cirka soke quruxda xiddigaha.
  7. Waana ka dhowrid ahaan shaydaan kasta oo fallaago ah.
  8. Ma dhegaysan karaan kulanka sare [malaa’igta] oo waxaa laga soo ganaa dhinac walba.
  9. Iyagoo la soo eryay, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah. W’
  10. Marka laga reebo mid, mid, dafa [hadalka] dalid [xadid] waxaana la raaciyaa dambaaburo ololeysa.
  11. Ee weydii [mushrkiintan Muxammadow 3&] ma iyaga baa abuur adag mise kuwaa [kale sida cirarka iyo dhulka iyo buuraha, iyo wixi lamida] aan abuumay?” Waxaannu ka abuumay [dadka] dhoobo dhamaajo ah oo dhagta.
  12. Mayee’ adigu [Muxammadow 3S] waxaad la yaabban tahay [caqli xumadooda], halka ay iyaguna kugu jees- jeesaan [adiga iyo Qur’aankaba].
  13. Oo markii la waaniyo, ma waantoobaan.
  14. Oo markii ay arkaan Aayad [Calaamo, Xujo, ama Caddayn] xagga Allaah ah, waa ku jees-jeesaan.
  15. Oo waxay yiraahdaan, “Waxa kanu ma ‘aha waxaan ahayn sixir iska cad.
  16. “Ma markii aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa nala soo bixin doonaa?
  17. “Iyo sidoo kale aabbayaashayadii hore?,”
  18. Dheh [Muxammadow] Haah, idinkoo weliba dulleysan.
  19. Waa uun hal Qeylo keliya, [afuufka labaad ee buunka], markaas waxaa soo baxayaiyagoo dhaygagsan.
  20. Oo waxay oran doonaan, “Hoognayeey! Tanu waa Maliintii Jaasaynta.
  21. [Waxaa la oran doonaa], “Tani waa Maalintii kala baxa ee aad beenin jirteen.” [
  22. [Waxaa lagu oran doonaa malaa’igta], “Kulmiya kuwii falay dulmiga [shiikiga iyo macaasida] la jirka rafiiqyadoodii [sheydaammada] iyo wixii ay caabudi jireenba.
  23. “Allaah sokadi, oo ku hoggaamiya jidka Naarta Jaxiima.
  24. “Joojiya, xaqiiq, waa kuwo wax la weydiinayo [lagu qirayo denbiyadoodii].
  25. “Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn?
  26. Mayee, Maanta waa is dhiibeen,
  27. Oo waxay ku jeesan doonaan qaarkoodba qaar iyagoo is su’aalaya?
  28. Waxay oran doonaan [raciyaddii xaq dairada ku raacday madaxdoodii], “Waxaad ahaydeen kuwa nooga yimaada xagga midig idinkoo noo qurxin jiray xumaan falidda].
  29. Waxay ku jawaabi doonaan, “Mayee, idinka naf ahaantiina maydaan ahayn mu’miniin.
  30. Kuraana aannu lahayn wax awood ah korkiinna. Mayee, waxaad ahaydeen qoon xad gudbay.
  31. “Sidaas awgeed waxaa nagu waajibay Qawlkii Rabbigeen, in hubaashii [ay tahay] inaan dhadhaminno [Cadaabka.]
  32. Markaas baan idin dhuminnay, waayo innaga baa dhunsanayn.
  33. Iyagu Maalintaas cadaabka bay wadaagi doonaan.
  34. Annaguna sidaas baan ku fallaa Dambiilayaasha.
  35. Waxay ahaayeen kuwo marka lagu yiraahdo: Laa ilaaha illal Laah [Ma jiro ilaah [xaq ah] aan ahayn Allaah] iska kibriya.
  36. Oo waxay oran jireen, “Ma waxaan uga tageynaa ilaahyadayada gabyaa waalan?
  37. Mayee’ wuxuu [Muxaounad Ss] la yimid Xaq, Wuxuuna rumeeyay Rusushii [ka horreysey].
  38. Waxaad idinku [mushrikiinta ah] dhadhamin doontaan cadaabka xanuunka badan;
  39. La idinkamana jaasayn doono waxaan ahayn wixii aad fali jirteen.
  40. Addoommaha Ilaahay ee daacadda ah maahee ee u kali yeela cibaadada Allaah.
  41. Kuwaasu waxay leeyihiin rizqi la yaqaan [Janno].
  42. Faakihooyin, iyagooo lagu maamuusayo.
  43. Beeraha barwaaqada [Jannada] gudaheeda.
  44. Sariiro sarreeya korkooda iyagoo is qaabilaya.
  45. Waxaa lagula wareegi doonaa galaasyo ay ku jiraan khamri saafi ah;
  46. Cad, oo u macaan kuwa cabbaya.
  47. Ma laha Ġawl [wax dhibaato ah, waalli, wareer, danbi iyo wixi lamida]. Khamrigaa, kumana sarkhaami doonaan.
  48. Waxaana ag joogi doona haween libiqsi gaabanooyin ah [dhawrsoon] indha waasic ah oo qurxoon leh.
  49. Oolamoodo ukun la dhowray.
  50. Waxay qaabili doonaan qaarkoodba qaarka kale, iyagoo si kalgacalo leh, wax isweydiinaya.
  51. Midkood hadlaya baa oran doona; “Waxaan ku lahaa rafiiq [adduunkii],
  52. Kaasoo oran jiray, “Ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeysan [in iilka layska soo saari doona geerida kaddib]?”
  53. “[Ma] markii aan dhimanno oo aan noqonno ciid iyo lafo, miyaa [nala soo ‘ saari doonaa] si aan ula kulanno abaal gud ama ciqaab [waafaqsan camalladeennii]?”
  54. [Ninkii] wuxuu yiri, “Ma ila eegaysaan halkaa hoose?
  55. Markaasuu fiirshay hoos oo ku arkay Naarta bartankeeda:
  56. Wuxuu yiri, “Wallaahi waxaad sigtay inaad ihalaagto [idhumiso].”
  57. “Oo haddii ayan jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan hubaashii ka mid ahaan lahaa kuwa la soo xaadiriyay [Naarta].
  58. [Allaah wuxuu ka warramayaa mu’minkaa dhabta ah inuu oranayo, “Ma ahin miyaa kuwo dhimanaya [dib dambe].
  59. “Dhimashadayadii hore ma’ahee, oo ma ahin miyaa kuwo la cadaabayo [kaddib markii aan galnay Jannada].
  60. Xaqiiqdii tani waa liibaanta wayn.
  61. Ee waxakan oo kale ha u camal fasheen camal fashayaashu.
  62. Ma taas [Jannada] baa martiqaad wanaagsan mise geedka zaquumka?
  63. Waxaannu Annagu uga yeelnay fitno [imtixaan] daalimiinta.
  64. Waa geed kasoo baxa Naarta salkeeda,
  65. Fiidaha khaylalka miraheeda la moodo madaxyada shaydaammada;
  66. Waxay wax ka cuni doonaan [geedkaa], oo ka buuxin doonaan uurarkooda.
  67. Waxaa u dheer oo la siin doonaa barax biyo kul badan [isku dhaf biyo kulul iyo Zaqquumka ah uurarkooda dhexdood]
  68. Intaas kaddib, xaqiiqdii, meel noqodkoodu waa Naarta holaca badan.
  69. Waxay heleen aabbayaashood oo baadi ah.
  70. Iyaguna raadkoodii bay ku degdegayaan.
  71. Oo waxaa dhabtii ka lumay xaqa iyaga hortood badi dadkii hore.
  72. Oo Waxaan dhabtii u dimay dhexdooda digavaal [yacni Rusul].
  73. Ee fiiri sida ay aheyd ciribtii kuwii loo digay [aanse waansamin].
  74. Addoonunaha Ilaahay ee daacadda maahee ee u Keli yeeli Allaah cibaadada.
  75. Oo waxaa noo dhawaaqday [na baryay] Nuux, Waxaannuna nahay kuwa u wanaagsan ee ajiiba [baiyada].
  76. Oo waxaan ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii wayneyd [waa hafmtii la haflyay qoomkiisii].
  77. Oo waxaan ka yeelnay ubadkiisii kuwa haray [waa Saam, Xaam, iyo Yaafis].
  78. Oo Waxaan u reebnay [xus wanaagsan] facyada dambe oo dhan dhexdood.
  79. Nabad korkiisa ha ahaato Nuux uumanka dhexdooda.
  80. Annagu sidaas baan u abaal marinnaa sama falayaasha.
  81. Wuxuu [Nuux] ahaa mid ka mid addoomahayaga mu’miniinta ah.
  82. Waxaana hafinnay kuwii kale [gaaladii, mushrikiintii, dambiilayaashii, iyo wixi lamida].
  83. Oo waxaa xaqiiqdii kuwii raacay jidkii Nuux ka mid ahaa Ibraahiim.
  84. Markii uu ula yimid Rabbigi qalbi fayow [ka fayow shirki iyo shaki]
  85. Markii uu ku lahaa aabbihi iyo qawmkiisii, “Waa maxay waxaasi aad caabudaysaan?”
  86. “Ma ilaahyo been abuur ah, Allaah sokadi, waxa aad rabtaan?”
  87. “Ee muxuu yahay malihiinnu xagga Rabbiga uumanka?
  88. Markaasuu wuxuu dhugtay dhugasho xiddigaha guuradda
  89. Oo yiri: “Anigu waa bukaa [oo idinma raaci karo isagoo rabay inuu ka haro].
  90. Markaasay ka goddomeen xaggiisa, oo kajeesadeen.
  91. Wuxuu aaday ilaahyadoodii, oo yiri, “Mawaydaan [wax] cunayn.
  92. “Maxaad leedihiin oo aydaan la hadleyn?”
  93. Markaasuu ku jeesaday isagoo ku garaacaya gacantiisii midig.
  94. Waxay soo aadeen [mushsrikiintii] xaggiisa, iyagoo xiimaya.
  95. Wuxuu yiri, “Ma waxaad caabudeysaan waxaad qor-qor Jafteen?
  96. “Halka uu Allaah idin abuuray idinka iyo waxa aad samaynaysaanba?
  97. Waxay yiraahdeen, “U dhisa dhismo [dab lagu shido] oo ku tuura dabkaa ololaya.”
  98. Waxay la dooneen dhagar, iyaga baanse ka yeelnay kuwa hooseeya?
  99. Oo wuxuu yiri: [Kaddib markii uu ka badbaaday dabkii], “Xaqiiqdii, anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay [oo u hijroon]. Wuu i hanuunin doonaa.”
  100. “Rabbiyow! I sii [ubad] wanaagsan.”
  101. Markaas baan Waxaan ugu bishaarannay wiil dabeecad san oo dul badan.
  102. Oo, markii uu [wiilkii] ku gaaray agtiisa socod oo barbaar noqday, wuxuu [Ibraahiim] yiri, “Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo ku gawracaya [kuu hibeynaya Allaah qurbaan ahaan], ee bal eegoo maxay kula tahay.” Wuxuu yiri, “Aabbow! Fal waxa lagu amray, haddii Allaah idmo, waxaad iga heli doontaa mid ka mid ah kuwa sabra.
  103. Markii ay labaduba hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka [si uu u gowraco].
  104. Baan u dhawaaqnay: “Ibraahiimow”.
  105. Dhabtii waad ka run sheegtay oo fulisay riyadii. Annagu sidaas oo kale baan u abaal marinnaa sama falayaasha.
  106. Xaqiiqdii, taasi waxay aheyd imtixaan cad [ oo wayn].
  107. Oo waxaan ku furannay loog wayn [wan buuran].
  108. Oo Waxaan u reebnay [xus wanaagsan] facyada dambe oo dhan dhexdooda.
  109. Nabad korkiisa ha ahaato Ibraahiim,”
  110. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
  111. Xaqiiqdii, wuxuu ka mid ahaa addoomahay aga mu’miniinta ah.
  112. Oo Waxaan ugu bishaareynnay Isxaaq_Nabi ka mid ah inta wanaagsan.
  113. Oo Waannu barakaynay isaga [Ibraahiim] iyo Isxaaqba, ubadkoodana ” waxaa ka mid ah [qaar] fala s am a an iyo qaaru dulmiya naftooda si cad.
  114. Oo Waxaan dhabtii siinnay galladdayada Muusaa iyo Haaruun.
  115. Oo Waxaannu ka badbaadinnay iyaga iyo qoonkoodiiba kurbaddii wayneyd.
  116. Oo waan u gargaamay, Sidaa darteed 1 waxay ahaayeen kuwa adkaaday.
  117. Oo Waxaannu siinnay Kitaab cad
  118. Oo ku hanuuninnay Jidka Toosan;
  119. Oo Waxaannu u reebnay [xus wanaagsan] facyada dambe oo dhan dhexdooda.
  120. Nabad korkooda ha ahaato Muusaa iyo Haaruun.
  121. Annagu sidaas oo kale baan ku abaal mannnaa sama falayaasha.
  122. Waxay ka mid ahaayeen addoomahayaga mu’miniinta ah.
  123. Oo xaqiiqdii, Ily aas wuxuu ka mid ahaa Rususha.
  124. [Xus] markii uu ku yiri qoonkiisii, “Mawaydaan Allaah ka cabsaneyn?”.
  125. Ma waxaad u dhawaaqaneysaan [oo baryaysaan] Bacal [sanam ay caabudi jireen] oo ka tagaysaan Kan u wanaagsan abuurayaasha.
  126. “Oo ah Allaah Rabbigiin iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore?”
  127. Waase beeniyeen [Ilyaas] waxaana loo soo kulmin doonaa [Cadaabka].
  128. Addoomaha Ilaahay ee daacadda ah maahee ee u Keli yeela Allaah cibaadada.
  129. Oo Waxaan u reebnay [xus wa- naagsan] facyada dambe oo dhan dhexdooda.
  130. Nabad korkiisa ha ahaato Ilyaasiin.
  131. Annagu sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa sama falay aasha.
  132. Xaqiiqdii, wuxuu ka mid ahaa addoomahay aga mu’miniinta ah.
  133. Oo xaqiiqdii, Luud wuxuu ka mid ahaa Rususha.
  134. [Xus] markii aan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba dhammaan,
  135. Marka laga reebo habar duq ah [xaaskiisii] ee ku hartay [halaagga].
  136. Kaddib waxaan baabbi’innay intii kale [waa magaalooyinkii Sodom ee halka hadda badda meytan ahee Falastiin].
  137. Oo waxaad ag martaan subaxii,
  138. Iyo habeenkiiba, ee mawaydaan lahayn garasho?
  139. Oo wuxuu xaqiiqdii Yuunus ka mid ahaa Rususha.
  140. [Xus] markii uu ku cararay Doontii buuxday.
  141. Oo uu qori tuurtay, wuxuuna ahaa mid laga raayay [lagu tuuray badda].
  142. Markaas baa waxaa liqay xuud [kalluun wayn] isagoo eedeysan.
  143. Haddii uusan ka mid ahaadeen kuwa xusa ee u tasbiixsada Allaah ee ehlu salaadka ah.
  144. Wuxuu xaqiiqdii ku negaan lahaa calooshiisa [caloosha xuudka] tan iyo Maalinta la soo Bixin dadka [Maalinta Qiyaame].
  145. Waxaanse ku soo tuumay [xeebta] bannaanka ah isagoo buka,
  146. Oo Waxaan u soo bixinnay geed qarac ah.
  147. Oo Waxaan u dimay Boqol kun [oo dad ah] ama ka badanba.
  148. Waana mmeeyeen; Waxaan a u raaxaynay [sugnay] ilaa muddo.
  149. Ee weydii [Muxammadow 36] Ma wuxuu Rabbigaa leeyahay gabdhaha [keliya], iyaguna leeyihiin wiilasha.?
  150. Mise waxaan abuumay malaa’igta dheddig ahaan iyaguna ka markhaati yihiin?
  151. Xaqiiqdii, waa been abuurkooda inay i[mushrikiintu] yiraahdaan:
  152. “Allaah baa wuxuu dhalay ilmo, [waa qowlkooda marka ay leeyihiin malaa’igtu waa gabdhahii Ilaahay]?” Oo, xaqiiqdii, waa beenaalaay aal.
  153. Ma wuxuu ka doortay gabdho wiilasha?
  154. Maxaad leedihiin? Sidee wax u xukumeysaan?
  155. Mawaydaan waansamayn?
  156. Mise waxaad heysataan Xujo Cad.
  157. Keena Kitaabkiinna [caddayntiinna] haddii aad iun sheegeysaan?
  158. Oo Waxay u yeeleen Isaga iyo jinka dhexdooda xiriir qaraabannimo [nasab], oo waxay dhabtii jinku og yihiin in la keeni doono [Allaah horti xisaab iyo jaazeyn awgeed].
  159. Waa ka Nazahan yahay Allaah waxa ay ku tilmaamayaan.
  160. Addoomaha Ilaahay maahee ee daacadda ah ee u Keli yeela cibaadada.
  161. Ee idinka [mushirkiinta ahow] iyo waxa aad caabudaysaanba.
  162. Cidna kuma fidnayn kartaan [oo kagama jeedin kartaan Xaqa].
  163. Kuwa maahee gali doona Naarta..
  164. Oo ma jiro mid naga mid ah [waa malaa’igta] aan lahayn meel lagu yaqaan.
  165. Oo waxaan innagu [malaa’igta ah] u istaagnaa saf saf salaadaha awgood [sida aad idinku muslimiinta ahow ugu istaagtaan saf saf salaadaha].
  166. Oo waxaynu innagu [malaa’igta ah] nahay kuwo ku tasbiixsada [ammaanaha Allaah, oo tukada salaadaha.].
  167. Inkastoo iyagu [mushrikiinta Carabta] oranjireen,
  168. Haddii aan ka heysan lahayn waano kuwii [dadkii] hore [ka hor imaanshaha Nabi Muxammad] Rasuul Ilaahay ahaan].
  169. “Waxaan ahaan lahayn addommaha Ilaahay ee daacadda ah aan shirki falin.
  170. Wayse ku gaaloobeen [haatan oo uu Qur’aankii u yimid iyo Nabi Muxammad], waase ogaan doonaan.
  171. Oo waxay dhabtii Kelmaddayadii u hormartay waa’ hore addoomahayaga Rususha ah,
  172. In iyagu yihiin kuwa loo gargaari doono.
  173. Iyo in ciidammayadu ay iyaga yihiin kuwa adkaan doona.
  174. Ee isaga jeeso [Muxammadow] ilaa muddo,
  175. Oo dhowr iyaga, wayna arki doonaan [waxa ku dhaca].
  176. Ma Cadaabtayada bay degdegsanay aan?
  177. Marka uu ku soo dego cadaabku ardaagoooda, waxaa xumaan subaxa kuwa loo digay.
  178. Ee isaga jeeso [Muxammadow M] ilaa muddo.
  179. Oo dhowr, waana ay arki doonaan [waxa ku dhaca].
  180. Waa ka Nazahan yahay Rabbigaa, Rabbiga Sharafta leh waxa ay ku tilmaamaan [gaaladu oo wax xun ah].
  181. Oo nabadi korkooda ha ahaato Rususha.
  182. Oo Ammaan idilkeed iyo Mahadba waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.

Suuradda 38aad: Saad

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Saad [xarafkani Saad iyo xarfaha kale ee lamidka ah ee kusoo arooray billawga suuradaha qaarkood waxay tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah kaliya baa og muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo]. Waa igu Qur’aanka waanada iyo sharafta badan.
  2. Mayee, kuwa gaaloobay waxay ku sugan yihiin qabwayni been ah iyo xaq diiddo.
  3. Intee baan qaaruun rognay hortood, oo markaas baroorteen goor aysan baroori wax tareyn iyo fakasho.
  4. Oo waxay [mushrikiintii Carbeed] la yaabeen inuu u yimaado dige [Nabi Muxammad Ss] ka mid ah. Oo waxay yiraahdeen gaaladu, “Kanu [Nabi Muxammad] waa saaxir beenaale ah.
  5. “Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii hal Keliya [Allaah]. Xaqiiqdii, waxakanu waa wax la yaab leh.
  6. Oo waxaa soo baxay odayaashii ku jiray [ iyagoo leh ], “Ugu sii socda horay, oo ku sabra oo sugnaada ilaahyadiinna. Xaqiiqdii, Waxakanu waa qorshe la idiin degay.
  7. “Kama aannu maqal [wax la mid ah] waxakani dadkii samannadan dambe jiray dhexdood. Waxakanu ma aha waxaan ahayn been abuur.
  8. “Ma waxaa lagu soo dajiyay Waanada [Qur’aanka] isaga [keliya] dhexdeenna?” Mayeel waxay kaga sugan yihiin shaki waanadeyda [Qur’aankan]. Mayee bal wali ma aysan dhadhamin Cadaabtayda.
  9. “Mise ma waxay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, awood badanaha, Bixinta Badan?
  10. Mise waxay leeyihiin mulkiga cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Ha u soo fuuleen kor [xagga cirarka iyagoo wixii ay doonaan adeegsanaya].
  11. Colka halkaas jooga [Maadaamay beeniyeen Fartiintii Allaah] waxay noqon doonaan ciidan la jabiyo sida xisbiyadii waayo hore [ee ahaa kuwo la jabiyay].
  12. Waxaa beeniyay iyaga hortood qoonkii Nuux. Caad, iyo Fircoonkii tiirarka lahaa.
  13. Iyo Thamuud, Qoonkii Luud, iyo reer howdkii [qoonkii Shucyab], kuwaas bay ahaayeen xisbiyadii [xaqa beeniyay].
  14. Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaas bay Ciqaabtaydii kudhacday.
  15. Oo kuwakanu [gaalada] ma sugayaan waxaan ahayn hal Qaylo [waa afuufidda Buunka uu afuufi doono malagga Israafiil] markaasna ma jirto xiskin [u sugid, oo wax waliba waa baabbi’i doonaan Allaah maahee [Awoodda iyo Sharafta Badan].
  16. Oo waxay yiraahdaan, “Rabbiyow’. Noo soo dedeji Qaybtayda [ciqaabta] ka horMaalinta Qiyaamaha.
  17. U sabar [Muxammadow] waxa ay leeyihiin, oo xus addoonkayagii Daawuud, ee xoogga iyo kartada badnaa Xaqiiqdii, wuxuu ahaa Toobad keene Allaah u noqosho badan.
  18. Waxaannu Annagu u sakhimay buuraha inay kula tasbiixsadaan Ammaanaha Allaah galab iyo subaxba.
  19. Iyo shimbiraha la soo kulmiyayba: dhammaan la jirka [Daawuud] waxay u jeesadeen [Allaah macnaha kula tasbiixsadeen Ammaanahiisa].
  20. Oo Waxaynu adkaynay boqortooyadiisii [boqortooyadii Daawuud], waxaana siinnay xikmad [Nabinnimo] iyo fahmo iyo garsoor wanaagsan.
  21. Oo ma ku soo gaaray warka kuwii doodayay? Markii ay soo tafeen derbiga mixraabka [qol gaar ah oo lagu tukado].
  22. O u soo galeen Daawuud, markaasuu ka naxay; waxay yiraahdeen, “Ha cabsan! [waxaynu nahay] labo is qabatay, midkayo uu dulmiyay midka kale, sidaa darteed nagu kala xukun xaq, oo ha nagula dhaqmin caddalad darro, oo nagu toosi Jidka Toosan.
  23. Xaqiiqdii, kani waa walaalkay [xagga Islaamka], wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan sabeenood, halka aan anigu leeyahay sabeen keliya. Wuxuu leeyahay: i sii iyadana, waana iiga adkaaday hadalkii.
  24. [Daawuud] wuxuu [isla markiiba isaga oo aan dhageysan hadalka kii kale ay ninkaa is hayeen] yiri, “Waa uu kugu dulmiyay ku weydiisigiisa sabeentaada si uu ugu darsado sabeenihiisa. Oo, xaqiiqdii, in badan oo kuwa wax isku darsada ahi [dadka shurukada ah] wuxuu ku xadgudbaa [oo dulmiyaa] midkoodba kan kale, marka laga reebo kuwa [Xaqa] rumeeyeey oo fala camallo wanaagsan, waana yar yihiin kuwaasu. Daawuudna wuxuu gartay inaan imtixaannay, oo wuxuu ka dalbay danbi Dhaaf Rabbigi wuxuuna la dhacay sujuud, oo u jeesaday [xagga Allaah] isagoo toobad keen ah.
  25. Markaas baan u danbi dhaafnay, oo waxaa xaqiiqdii u sugnaaday dhowaansho iyo meel noqod wanaagsan [Janno].
  26. Daawuudoow! Waxaan Annagu kaaga yeelnay madax dhulka, ee ku kala xukun dadka xaq [caddaalad], oo ha raacin hawadaada _waayo wuxuu kaa dhuminayaa xagga Jidka Allaah, Xaqiiiqdii! Kuwa ka dhuma Jidka Allaah waxay leeyihiin cadaab daran, hilmaankoodii Maalinta Xisaabta [Qiyaamada] darteed.
  27. Oo uma aanu abuurin cirka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya dheel. Sidaasu waa malaha kuwa gaaloobay. Ee hoog wuxuu uga sugnaaday kuwa gaaloobay Xagga Naarta.
  28. Mise waxaynu ka yeeleynaa kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, sida mufsidiinta [u yeela shanikyada Allaah xagga cibaadada, gaalada, iyo kuwa fala macaaisda], mise ma waxaynu ka yeeleynaa kuwa ka dhowrsada xumaha sida faajiriinta [mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iyo wixi lamida].
  29. [Kani] waa Kitaab [Qur’aanka] aan kugu soo dejinnay oo barakaysan si ay ugu fiirsadaan Aayadihiisa iyo si ay ugu waantoobaan wax garadka.
  30. Oo Waxaan siinnay Daawuud [wiilkiisii] Sulaymaan. Muxuu ahaa addoon khayr badan. Xaqiiqdii, wuxuu ahaa noo soo noqdaa, toobad keen badan.
  31. [Xus] markii loo soo bandhigay goor galab ah, lalayaasha dheereeya [yacni fardo si fiican u carbisan oo aad u dheereeya [oo loo diyaariyay Jihaadka Jidka Allaah].
  32. Maarkaas buu wuxuu yiri: Ma waxaan ka jecleystey waxa wanaagsan [fardahan] xusidda Rabbigay [salaaddeyda Casar gudaheeda] ilaa waqtigii dhammaaday, oo qorraxdii ku qarsoontay xijaabka habeenka.
  33. “Ii soo celiya [fardaha].” wuxuuna bilaabay inuu dul mariyaa gacantiisa addimmada iyo luqumahooda.
  34. Oo Waxaan dhabtii imtixaannay Sulaymaan oo waxaan yeelnay Carshigiisa Jasadan [sheydaan, saa wuxuu waayay boqortooyadiisii in muddo ah] waase uu u soo noqday [carshigiisii iyo boqortooyadiisii Naxariista iyo Gt i Allaah darteed wuxuuna ula soo not Allaah daacadnimo iyo loobad.
  35. Wuxuu [Sulaymaan] yiri, “Rabbi] Ii danbi dhaaf oo i sii xukun nooc ui yeelan doonin isagoo kale axa gadaashay: Xaqiiqdii, Adiga baa deeq wax bixin badane.
  36. Markaas baan waxaan u sakhirr dabaysha, oo ugu soconeysey si wac amarkiisa meeshii uu maagaba,
  37. Iyo sidoo kale shaydaammada jinka [oo ay ku jiraan] nooc walba oo dhisaa t iyo quusaa,_
  38. Iyo kuwo kale oo ku xirxiran silsilado.
  39. [Wuxuu Allaah ku yiri Sulaymaan]: tani waa Deeqdayadii ee baxso ama hay so xisaab la’aan.
  40. Oo xaqiiqdii, wuxuu ku leeyahay dhowaansho Xaggayaga iyo meel noqod wanaagsan [Janno].
  41. Oo xus addoonkaygii Ayyuub, markii uu u dhawaaqay [baryay] Rabbigi [isagoo leh] “Wuxuu anigu Shaydaan igu taabtay silic [silic ah inaan belay caafimaadkaygii] iyo saxariir [ah inaan belay maalkaygii].
  42. [Allaah baa wuxuu ku yiri] “Ku garaac dhulka cagtaada Waxakanu waa biyo mayrasho oo qabow iyo cabbitaan.”
  43. Oo Waxaannu [dib] u siinnay ehelkiisii, iyo kuwo la mid ah oo la jira, Naxariis Xaggayaga ah, oo waano iyo darsin u aha waxgaradka.
  44. “Oo waxaad ku qaaddaa gacantaada ummaag [xirmo] dhangado yaryar ah oo ku dhufo [xaaskaaga] hana jabin dhaartaada Waxaannu xaqiiqdii hellay inuu yah ay sabraa. Muxuu ahaa addoon khayr badan. Xaqiiqdii, wuxuu ahaa noo soo noqdaa, toobad keen badan.
  45. Oo xus addoomahayagii Ibraahiim iyo Isxaaq iyo Yacquub ee u lahaa kartida [caabudiddeenna] oo [sidoo kale] ahaa kuwo xoog leh oo in dheer garad ah. _> <Jj”\
  46. Xaqiiqdii, waannu doorannay Aimagoo siinnay [wax wanaagsan,_ waa] xusuus- naantaDaarta. [Aakhirada].
  47. Oo waxay xaqiiqdii iyagu dhab ahaan kayihiin xaggayaga xul akhyaar ah.
  48. Oo xus Ismaaciil iyo Al-Yasac iyo Dul-Kifil, oo dhammaantood waxay kamid yihiin akhyaarta.
  49. Tanu waa Waano,oo xaqiiqdii, kuwa ka dhowrsada xumaha waxay leeyihiin meel noqod wanaagsan.
  50. Beero negaya [oo ku yaal Jannatul Cadni] oo furan yihiin Albaabadoodu.
  51. Waxay ku dangiigsanayaan dhexdeeda [sariiro korreeya] oo u yeeran dhexdeeda miro tiro badan iyo sharaab.
  52. Oo waxaa ahaan doonaa barbarkooda haween [dhowrsoon] oo ku gaabiya libiqsigooda [dhugashadooda] oo keliya nimankooda, oo isku da’ah.
  53. Waxakanu waa waxa la idiin yaboobay Maalinta Xisaabta [Qiyaamada].
  54. [Waxaa lagu oran doonaa]: Xaqiiqdii, kani waa risiqayaga aan mamba dhammaan.
  55. Waa sidaase! Oo Qooqaayada [mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iyo wixi lamida] waxaa u sugnaaday meel noqod xun.
  56. Naarta Jahannama bay gali doonaan, oo u xun gogol.
  57. Waa sidaase! Ee ha dhadhamiyeen biyo kulul oo karaya iyo carun [malax].
  58. Iyo cadaabyo kale oo la nooc ah.
  59. [Malaa’igtu waxay ku oran doonaan ehlu naarka, markii qolo la keenaba naarta muteysatay ama ku oran doontaa kuwii madaxda xun ahaa ee wax duufsan jiray, markii naarta looga daba keeno kuwii ay duufsadeen ee raacsanaa, waxay oran malaa’igtu], “Kuwakani waa guuto idin la galaysa [Naarta], [Ehlu naarkii ku horreeyay naarta waxay oran doonaan], “Ma laha soo dhowayn! Xaqiiqdii, waxay iyaguna ku guban doonaan Naarta.
  60. [Taageerayaashii madaxadii xumayd] waxay oran doonaan: “Mayee idinku ma lihidin soo dhowayn! Waa idinka [madaxda xun ah] kuwa noo horseeday waxakani, marka belo waa meeshani degaan ahaan.”
  61. Waxay [kuwii raciyadda ahaa] oran doonaan, “Rabbiyow! Wixii waxakan noo horseeday u ziyaadi cadaab laban laab ah Naarta gudaheeda.”
  62. Oo Waxay [madaxdii xumeyd iyo kuwii raacsanaa] oran doonaan, “Maxaan leennahay oo u arki waynnay rag aan ku tirinjimay dadkaxun?”
  63. Ma waxaynu ka dhigannay jees jees, mise waxaa qaban waayay indhahayga?
  64. Xaqiiqdii, taasi [dooddaas] waa xaq sugan_ waa doodda ehlu-Naarka.
  65. Dheh [Muxammadow M] anigu sideedaba waxaan ah ay oo keliya dige, mana jiro ilaah xaq ah aan ahayn Allaah, Waaxidka, Qahnnta Badan
  66. Rabbiga cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya, Awood Badanaha, danbi Dhaaika Badan.
  67. Dheh, “Kani [Qur’aanku] waa war wayn.
  68. “Oo aad idinku ka sii jeeddaan.
  69. Oo uma lahayn wax cilmi ah kulanka sare [malaa’igta] markii ay doodayeen oo ay ka xaajoonayeen [abuuristii Aadam].
  70. Waxaa uun la ii waxyooday, inaan ahay dige iska cad.”
  71. [Xus] markii uu Rabbigaa ku yiri malaa’igta, “Waxaan ka abuurayaa dad [waa Aadam] dhoobo.”
  72. Ee markii aan suureeyo oo aan ku afuufo muxda aan abuuray, markaa ula dhaca sujuud’[salaan ah].”
  73. Markaas bay sujuudeen malaa’igtii oodhan;
  74. Ibliis maahee, oo is kibriyay, oo ka mid noqday kuwa abaal dhaca [gaalada].
  75. [Allaah] wuxuu yiri: Ibliisow! Maxaa kuu diiday inaad u sujuuddo mid aan ku abuuray labadeyda Gacmood, ma iskala waynaatay [inaad ula dhacdo sujuud salaan ahaan, mise waxaad ka mid noqotay kuwa isla sarreeya?
  76. [Ibliis] wuxuu yiri, “Aniga baa ka fiican, waxaad iga abuurtay dab, isagana waxaad ka abuurtay dhoobo.
  77. Wuxuu [Allaah] yiri, “Ka bax halkan, waxaad tahay dayro dufeysane.
  78. “Oo xaqiiqdii, Nacaladdayda baa korkaaga ah ilaa Maalinta Jaazaynta.”
  79. Wuxuu [Ibliis] yiri, “Rabbiyow! i sug ilaa Maalinta [mowtida] la soo bixinayo .
  80. Wuxuu [Allaah] yiri, “Waxaad ka mid tahay kuwa la sugayo.
  81. Ilaa Maalinta waqtiga Ja qabtay.”
  82. Wuxuu [Ibliis] yiri, “Waa igu cizadaadee, waan wada dhumin doonaa dhammaantood.”
  83. “Addoomahaada daacadda ah maahee ee aan kuu shariik yeelin.”
  84. Wuxuu [Allaah] yiri, “Runtu waxaa weeye, mniaana ku hadlaaye,”
  85. “Inaan kaala buuxin doono Naarta adiga [Ibliis] iyo waxoodii kamid ah [dadka iyo jinka] ee ku raaca dhammaan.”
  86. Dheh [Muxammadow] “Idinkuma waydiisanayo [Qur’aanka] ujro, mana ahi mid kamida mutakallifiinta [kuwa is yeel yeela oo hal abuura waxyaalo aan jirin ee isku dhiba waxaan la amrin].
  87. Oo ma aha [Qur’aanka] waxaan ahayn Waano ku socota uumanka oo dhan.
  88. Oo hubaashii waad ogaan doontaan warkiisa muddo kaddib.”

Suuradda 39aad: Az-Zumar [Guutooyin Rac-rac]

Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

  1. Soo dejinta Kitaabka [Qur’aanka] waa xagga Allaah, Awood Badanaha, Xikmadda Badan.
  2. Waxaannu Annagu kuugu soo dejinnay Kitaabka [Muxammadow] Xaq caabud Allaah [Keliya] adigoo u Keli yeelaya cibaadada.
  3. Hubaashii, diinta [cibaadada] waxaa Xaq u leh Allaah Keliya. Kuwaana yeesha Allaah sokadi awliyo [ilaaliyaal, ilaahyo, rabbiyo, iyo wixi lamida] [waxay oran doonaan], “Uma caabudno waxaan ahayn inay noo dhoweeyaan Allaah dhowaansho.” Xaqiiqdii, Allaah baa ku kala xukumi doona dhexdooda waxa ay isku khilaafaan. Xaqiiqdii, Allaah ma hanuuniyo kan isagu ah beenaale, gaalnimo badan
  4. Haddii uu doono Allaah inuu yeesho cairuur wuxuu ka dooran lahaa waxa uu abuuro wixii uu doono. Waa ka Nazahan yahay [oo ka Sarreeyaa waxyaalahaa oo kale]. Waa Allaah [Macbuudka Xaqa], Waaxidka [Keliga ah], Qahridda [Dirqinta] badan.
  5. Wuxuu ku abuuray cirarka iyo dhulka Xaq. Wuxuu ku daboolaa habeenka maalinta, oo ku daboolaa maalinta habeenka. Oo wuxuu sakhiray qorraxda iyo dayaxa. Mid walbaa ku socda [waddo go’an] muddo magacaaban. Xaqiiqdii, [Allaah] waa awood Badanaha, danbi Dhaafka Badan.
  6. Wuxuu idinka abuuray [dhammaan] naf keliya [waa Aadam]; oo ka yeelay [abuuray] isaga afadiisii [Xawwaa]. Oo wuxuu idiin soo dajiyay xoolaha sideed nooc; [ido labo lab iyo dheddig; riyo, labo, lab iyo dheddig, lo’da, labo, lab iyo dheddig, geelana labo, lab iyo dheddig]. Wuxuu idinku abuuray uurarka hooyooyinkiin abuur ka dambaysa abuur saddex xijaabood oo mugdi ah dhexdood, kaas baa ah Allaah _Rabbigiin. Isaga baa leh boqortooyada, Laa ilaaha illaa Huwa [Ma jiro Ilaah Xaq ah aan Isaga ahayn]. Ee xaggee baa la idiinka iilayaa [Xaqa]?
  7. Haddii aad gaalowdaan, xaqiiqdii Allaah ma aha mid idiin baahan idinka, lamase jecla addoomahiisa gaalnimo. Haddiise aad shukridaan, wuu idiinka raalli yahay. Nafna ma qaaddo naf kale dambigeed. oo waa xagga Rabbigiin noqodkiinnu, markaasuu idiinka wairami doonaa wixii aad fali jirteen. Xaqiiqdii, [Allaah] waa Ogsoonaha waxa ku jira laabaha [dadka].
  8. Oo marka uu taabto aadanaha dhib wuxuu baiyaa Rabbigiis [Allaah Keliya], isagoo u noqod iyo toobad keen ah xaggiisa, markase uu siiyo nicmo Xaggiisa ah, waa halmaamaa wixii uu ugu dhawaaqday awal hore, oo wuxuu u yeelaa Allaah shariikyo, si uu uga dhumo Jidkiisa. Dheh “Ku raaxeyso gaalnimadaada wax yar, waxaad ka mid tahay ehlu Naarkee.”
  9. Ma mid adeeca Allaah, oo u sujuuda ama u taagan [salaad] saacahada habeenkii, isagoo ka digtoon Aakhirada oo rajeynaya Naxariista Rabbigiis [miyaa la mid ah mid isagu gaal ah]? Dheh, “Miyay siman yihiin kuwa cilmiga [leh iyokuwa aan aan cilmiga lahayn?“Waxaa sideedaba waantooba kuwa wax garadka ah.
  10. Dheh [Muxammadow], “Addoommahayga [Xaqa] rumeeyow, ka cabsada Rabbigiin [Allaah], kuwa udhaqmaa sida wanaagsan adduunyadan, [abaalkooda] waa samaan, oo dhulka Allaah waa waasic [marka haddii aadan ku caabudi karin Allaah meel, aad meel kale oo ku caabud]. Waxaa loogu oofin doonaa kuwa ah sabrayaasha Ajarkooda xisaab la’aan.”
  11. Dheh [Muxammadow], “Waxaa Aniga la i‘amray inaan caabudo Allaah [kaliya] anigoo u kali yeelaya cibaadada.
  12. “Oo waxaa la i amray inaan ahaado kan uhorreeya kuwa u hoggaansama Allaah.
  13. Dheh [Muxammadow], “Xaqiiqdii, haddii aan anigu ku caasiyo Rabbigey, waxaan ka cabsanayaa Cadaab Maalin Wayn.
  14. Dheh [Muxammadow]: Allaah oo keliya baan caabudayaa anigoo u kali yeelaya [oo u barax tiraya] cibaadada.
  15. Ee caabuda idinku wixii aad doontaan Allaah sokadi. Dheh [Muxammadow], “Xaqiiqdii kuwa khasaaray waa kuwa khasaariyay nafahooda iyo ehelkooda Maalinta Qiyaamaha; Xaqiiqdii, taasi waa khasaarada cad.”
  16. Waxaa ahaan korkooda daboollo dab ah, hoostoodana daboollo dab ah, Taasi waa waxa uu Allaah ku cabsiiyo addoomahiisa ee addoomahaygow iga cabsada.
  17. Oo kuwa ka fogaada Daaquudka [Shaydaanka] oo Allaah u noqda oo u toobad keena, waxay leeyihiin bishaaro; ee ubishaaree addoomahayga.
  18. Kuwa dhegaysta qowlka [nasteexada wanaagsan] oo raaca waxa wanaagsan ee ku jira [waa caabuda Allaah keliya, oo adeeca, oo ka fogaada shirkiga iyo macaasida] kuwaas baa ah [kuwa] Allaah hanuuniyay, oo waa kuwaas wax garadka.
  19. Ma mid ay u waajibtay kelmedda cadaabka [baa la mid ah oo la siman mid ka jooga shirkiga iyo macaasida]. Ee ma adigaa [Muxammadow JS] badbaadin kara mid ay u suganaatay Naar?
  20. Laakiinse kuwa ka cabsada Rabbigood [Allaah] waxay leeyihiin qolol [Janno] oo qolol kale ka korreeyaan si fiican u dhisan, oo ay webiyadu hoos qulqulayaan; [Tani waa] Yabooha Allaah, Kama baxo Allaah yaboohiisa.
  21. Mawaadan arkayn inuu Allaah ka soo dejiyo cirka biyo [roob], oo galiyo dhulka [oo ka yeela] inay ka soo burqadaan [ilo ahaan], oo uu markaas ku soo bixiyo sarac kala midab ah, oo markaas ka yeelo inay qallalaan, oo waxaad arkaysaa iyagoo caddaaday, oo Wuxuu ka dhigaa eneyg burburay. Xaqiiqdii, taas waxaa ugu sugan waano dadka wax garadka ah.
  22. Ma mid uu Allaah qalbigiisa u furay islaamnimada oo heysta Nuurka Rabbigi [baa la mid ah mid laga daboolay], ee waxaa hoog leh kuwa qalbiyadoodu ka qallaleen xusidda Allaah. Kuwaasu waxay ku sugan yihiin baadi cad.
  23. Allaah wuxuu soo dajiyay hadal kan u fiican, Kitaab [Qur’aankan] qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda, ay la jiriiricoodaan [markii ay aqriyaan ama maqlaan] jirarka kuwa ka baqa Rabbigood. Dabeeto u jilcaan jirarkooda iyo qalbiyadoodu xusidda Allaah. kaasi waa hanuunka Allaah. Wuxuu ku hanuuniyaa ciddii uu doono, kii Allaah dhumiyona ma leh cid hanuunin kartaa.
  24. Ma mid kala hortegi doona wejgiisa [yacni ugu dhici doonaa wajiwaji] cadaabka xun Maaiinta Qiyaamaha [baa la mid ah mid isagu ku gali doona si nabad ah Jannada], oo waxaa lagu oran doonaa Daalimiinta [mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iyo wixi lamida] dhadhamiya wixii aad Icasban jirteen oo xumaan ah.
  25. Waxaa beeniyay [Xaqa] kuwii ka horreeyay, wuxuuna uga yimid cadaabka meel aysanfileyn.
  26. Markaasuu Allaah dhadhansiiyay dulli nolosha adduunka ah, cadaabka Aakhiro baana daran haddii ay ogaan lahaayen.
  27. Oo waxaan dhabtii ugu soo qaadannay dadka Qur’aankaan dhexdi tusaale kasta bal inay waantoobaan.
  28. Qur’aan af Carabi ah, aan qallooc ku jirin,bal inay [xumaha] ka dhowrsadaan.
  29. Allaah wuxuu soo qaataay tusaale: nin [addoon] ay wadaagaan niman badan oo is khilaafsan [waa sida kuwaa la wadaajiya Allaah cibaadada cid kale], iyo nin [addoon] leh hal sayid [waa sida kuwaa caabuda Allaah Keliya] Miyay labadaasu siman yihiin tusaale ahaan? Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, laakiinse badankoodu ma oga.
  30. Adigu [Muxammadow] waad dhimaneysaa, iyaguna waa dhimanayaan.
  31. Waxaadna idinku ku doodi doontaan Maaiinta Qiyaamaha Rabbigiin horti.
  32. Ee yaa ka dulmi badan mid ku been abuurfay Allaah, oo beeniyay Xaqa [Qur’aankan, Nabi Muxammad, marka uu u yimid, sow ma aha Naarta meel hoyaad u ah gaalada?
  33. Oo kan [Muxammad] ee la yimid Xaqa [Qur’aankan] iyo kuwa rumeeyay, waa kuwaas kuwa ka dhowrsada [shirkiga, gaalnimada, iyo macaasida].
  34. Waxay ku leeyihiin wixii ay doonaan Rabbigood agtiisa. Taasi waa abaalgudka sama falay aasha.
  35. Si uu Allaah uga tirtiro wixii u xumaa ay faleen, oo u siiy ajarkooda si waafaqsan waxa u wanaagsan waxay falayeen.
  36. Mawuusan Allaah ahayn mid ku Filan addoonkiisa? Oo waxay kugu cabsi galinayaan kuwa [ay caabudaan Allaah] sokadi. Kiise uu Allaah dhumiyo, ma uu laha wax hanuuniya.
  37. Oo kii uu Allaah hanuuniyo ma uu laha wax dhumiya. Sow ma aha Allaah Awood Badane, Aargudasho leh?
  38. Oo haddii aad weydiiso [gaalada], “Yaa abuuray cirarka iyo dhulka? Waxay hubaasahii oran doonaan, “Allaah [baa abuuray]. Dheh, “Bal ka warrama, waxa aad baryaysaan Allaah sokadi,_ haddii Allaah ila maago dhib, miyay yihiin kuwa faydi kara dhibkaas? ama haddii uu ila maago Naxariis, miyay yihiin kuwa celin kara Naxariistiisa?” Dheh.” Waxaa igu Filan Allaah, ee ha tala saarteen kuwa talo saaran [waa mu’miniinta].
  39. Dheh [Muxammadow 3§], “Qoonka- yow! U camal fasha sida aad tihiin ee dowga idinla ah, anigana waxaan u camal falanayaa [sida ila qumman ee dowga ila ah,] waadna ogaan doontaan.
  40. “Kan uu u yimaado cadaab dulleeya oo uu ku dego cadaab ma guuraan ah.”
  41. Waxaan Annagu kuugu soo dejinnay [Muxammadow ££] Kitaabka [Qur’aanka] ee ku socda dadka si Xaq ah. Ee kii hanuunaa waxay dan u tahay naftiisa, oo kii dhumaana, waxay u daran tahay naftiisa, oo adigu [Muxammadow M] kama tihid wakiil [ilaaliye].
  42. Allaah baa oofsada nafaha waqtiga dhimashadooda, iyo tii aan dhimanba ee hurudday. Wuxuu hayaa kuwa [nafaha] uu ku xukumay dhimashada, oo u soo diraa tii kale ilaa muddo magacaaban. Xaqiiqdii, waxaa taasi ugu sugan Calaamooyin qoonkii fekereya.
  43. Mise waxay yeesheen Allaah sokadi shafeecayaal? Dheh, “Ma xitaa haddii ayan hanan karin waxba oo ayan waxna garaneyn?”
  44. Dheh, “Allaah baa iska leh shafeeco oo dhan, waxaa u sugnaaday mulkiga cirarka iyo dhulka, oo xaggiisa baa la idiin soo celin doonaa.
  45. Oo marka la xuso Allaah Keliya, waxaa diidda qalbiyada kuwa aan rumeysneyn Aakhirada, oo markii la xuso kuwa [ay caabudaan] Allaah sokadi, markaas bay bishaareystaan oo farxaan.
  46. Dheh [Muxammadow] Allahayow, askumaha cirarka iyo dhulkow, kan Ogow waxa qarsoon iyo waxa muuqda. Waxaad ku kala xukumi doontaa addoomahaaga wixii ay isku khilaafi jireen.”
  47. Oo haddii kuwa falay dulmiga [shirkiga iyo macaasdia] ay lahaan lahaayeen waxa yaal dhulka oo dhan iyo wax le’eg oo wehliya waxay u bixin lahaayeen si ay ugu furtaan nafahooda cadaabka xun Maalinta Qiyaamaha; oo waxaa uga muuqan doona xagga Allaah wax aysan malaysaneyn.”
  48. Oo waxaa u muuqan doona xumaanaha wixii ay kasbadeen, oo waxaa koobi doona wixii ay ku jees-jeesi jireen [cadaabka].
  49. Markiina ay dhibaato taabato Aadanaha, waa uu noo dhawaaqdaa [na baryaa], markiise aan [ka badbaadinno dhibaatadaa oo] aan ugu beddelno nicmo xaggayaga ah wuxuu yiraahdaa: Wax kale ma’ahee’ waxaan ku mutay cilmiga [aan leeyahay], mayee’ waa imtixaan, laankiinse badankoodu ma oga.
  50. Waxaa dhabtii sidaas yiri kuwii ka horreeyay, waxbase uma tarin wixii ay kasban jireen.
  51. Waxaana ku dhacay xumaanihii ay kasbadeen; oo kuwa dulmiga falay [shirkiga iyo macaasida] ee ka mid ah dadka laguu soo diray Muxammadow #] waxaa ku dhici doona iyagana xumaanihii ,’sdsab] wixii ay kasbadeen ah, mana awoodaan inay naga fakadaan.
  52. Mawaysan ogeyn inuu Allaah u fidiyo riaiqa ciddii uu doono, oo ku ciriiriyo [ciddii uu doono], tani xaqiiqdii waxaa ugu susan CaJaamooym qoonkii rumaynaya.
  53. Dheh, “Addoomahay ga ku xadgudbayoow naftooda [inay la vimaadeen dambiyo waawayn darteed] Ha quusannma Naxariista Allaah, xaqiiqdii A]]aah waa uu dhaafaa dambiyada oo dhan. Waana Dembi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
  54. Oo u noqda xagga Rabbigiin idinkoo roobad keen ah, oo u hoggaansama ka hor ou aysan idinku imaan cadaabtu, uurkaasoo aan la idiin gargaareyn.
  55. Oo raaca kan wanaagsan [waa Qur’aanka] ee la idiin kasoo dajiyay xagga Rabbigiin, ka hor inta aysan idiin ku imaan cadaabta kedo, idinkoo aan filevn.~
  56. Inta ayan nafi oran, “Ka qoomameeyay wain ku gabood Falay cibaadada Allaah. oo waxaan ka mid ahaa kuwa ku jees-jeesa [Qur’aanka, qmnxh Nabi Muxammad, iyo chhi dimka iyo wixi lamida.]”
  57. Ama aysan onm, “Haddri Allaah i w*nnmin Iġaa waxaan ka mid ahaan ^haa kuw’a ka dbowxsada xumaha
  58. Ami avsan oran m^kii ay aaglo oiaabka, “Haddii aan heli lahaa fursad [aan ugu laabto adduunka] waxaan dhabtii ka mid ahaan lahaa samafalayaasha.
  59. Mayee, waxaa dhabtii kuu yimid Aayadahaygii, waadna beenisay, oo isla waynayd, oo waxaad ka mid ahayd gaalada.
  60. Oo Maalinta Qiyaamaha waxaad arki doontaa kuwa ka been sheegay Allaah [ee ku sifeeyay kuna sheegay inuu leeyahay carruur shariigyo, iyo wixi lamida] oo wejiyadoodu madow yihiin. Miyaynan ahayn Naarta Jahannama meel hoyaad u ah isla waynayaasha?
  61. Oo \vuxuu Allaah u hadhaadin doonaa K«w”a eia jini [xumaha] medahooda kibtsr ol ma laaban dooQto xunuan oo ma MUgoon doooaaiL
  62. Allaah wsa abuuraha wax wdfea, oo Is^t to wax udba u ah \vaknl [maamula oo j^twnu oo ilisahya].
  63. ka^i baa kh iWiyaash! czrarka iyo abh Oo ktiwi ku gaaloobay Aayadaha Ah^.«aihnraiahnri khasaarav
  64. Ku Dbeh [Maxammadow # asdhfaau nn] ma ircxaan abiyo Afcah had i anreysann mam ‘*iiH[^ ai has vaittr1″
  65. Oo waxaa dhabtii laguu waxyooday [Muxammadow] sidii loogu waxyooday kuwii [rusushi Allaah] ee kaa horreeyay, haddii aad wax la wadaajiso Allaah cibaadada, hubaashi waxaa buraya camalkaaga, oo waxaad hubaashi ka mid noqoneysaa kuwa khasaaray.
  66. He Caabud Allaab [Kcliya], oo ka find uhow kuwa ku shukriva
  67. Mu ay an qaddarin Allaah qaddannta uu \j tnudau y aliay, isagoo dhulka oo dhammi ahaatuiyo Qabashadiisa Maalinta Qiyaamalia, cirarkuna kuwo ku duuban Gacanliisa Midig Waa ka Nazahan yahay oo ka Sarreeyaa dhammaan waxaa ay la ” wadaajiyaan [cibaadada].
  68. Oo waxaa la aJ’uul’i doonaa suurka [Buunka Qiyaame], markaas bay suuxayaan [dliimanayaan] waxa jooga cirarka iyo waxa jooga arlada kii maaliec Allaah doono oo waxaa la afuul’i doonaa mar kale, inise dadkii way laagan yihiin oo dhowrayaun [Xukunka Allaah]
  69. Oo wuxuu dhulku ku ill doonaa Nuurka Rubbigiis [Allauh, marka uu u iman doono si uu u kala xukumo dadka] oo waa la soo dhigi doonaa Kitaabkii [camalka isagoo l’uran], oo waxaa la keeni doonaa Nabiyadii iyo markhaaliyadii, oo waxaa lagu kala xukumi doonaa dhexdooda Xaq, oo luma dulmiyi doono.
  70. Oo waxaa loogu oofin doonaa qol’ walbaa si dhan wixii uu laluy; oo [Allaah baa] dhab u ogsoon waxa ay tulmrn.
  71. Oo waxtiii loo kaxcyn doonaa kuwjj iiaalobav Naatla ivagoo morac [kooxo] ala, jeer, murky ymuiadaan Nautla waxaa loo Junta Albaabbadceda [si kedas ah aida xabsiga marka la kecuo maxaabbusta] eenkecduna wuxuu oran doonaa “Ma way son iditn iman RusuJ idinka mid ah] oo idiin aklmyava Aayaadka Rabbjgiin, oo ldimka digava la kulanky Maalmlnrmaan? Waxay oran doonaan Jiaal] [way noo vimaadeen]. laakimsc waxaa ku rumowday Kelmedda cadaabka gaalada dushooda
  72. Waxaa lagu oran doonaa. “Gala albaabbada Naaita. idinkoo ku waaraya dhexdecdu, maxav aliaalay mcel xun oo baas hovga tsla waynay aashaa.
  73. Oo waxaa loo kaxcyn doonaa kuwii iska jnay [cadaabta] Rabbi good [oo ku Ibgaaday shirkiga iyo inucuasida] xaggu Junnada. iyagoo rac-rac [kooxo] all. murkii ay yimaaduan Jannada waxay la kulini doonaan iyadoo la foray albaabbadccdu [mtavun iman ka hor soo dhowayn ahuun], wuxuuna furohayccnkccdu oran doonau Salaanuin Calcykum [Nabadi korkiinnu ha uhaalo] Waud wunuugsan tihiin [oo wau liibaantccn], ee gala [jannadu] idinkoo ku wn&rnyn dhcxdccda ”
  74. Oo waxay onui doonaan Am maun idilkeed iyo muhudbu waxaa Ich Alluuh ee noo oofiyay Yaboohiisa, oo na dhaxal siiycy dhulkan [Jannadu]. Wuxaan ka degnua Jnnnuda meeshii aan doonno, muxuu abaal wunuugsun u ahuaday kuwa camal fasha.”
  75. Oo waxaad nrkeysnu mnlan’igta oo ku mccrsnn Carshiga [Allaah] hnrccrihiisa oo dhan, iyagoo ku tasbiixsanayn ammaanahu Rnbhigood. wanna la kola xukumi doonaa dadka si Xaq ah, oo waxaa la oran doonaa: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.

Suuradda 40aad: Qaafir | Mu’min [Denbi-Dhaafaha | Mu’minka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Xaa Miim [Xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah oo Keliya baa ogsoon muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Soo dejinta kitaabka [Qur’aanka] waa xagga Allaah, Awood Badanaha, Cilmiga Badan.
  3. Ee dhaafa Danbiga, aqbala toobada, daran tahay Ciqaabtiisu, Khayrka iyo Nicmadda Badan. Laa ilaaha illaa Huwa [Ma jiro ilaah xaq ah aan Isaga ahayn], Xaggiisa baa loo noqonayaa.
  4. Kama doodaan Aayadaha Allaah waxaan ahayn kuwa gaaloobay. Ee yaysan ku hodin [Muxammadow] gadgaddoonkooda iyo galoobbaxooda dhulka.
  5. Waxaa beeniyay hortood qoonkii Nuux iyo colalkii ka dambeeyay, oo waxay doontay ummad walbaa [oo gaalowday] inay qabato Rasuulkeeda [oo ay dilaan], waxayna ku doodeen baadil si ay ugu tirtiraan xaqa, markaas baan qabtay, ee sidee bay u aheyd mid daran Ciqaabtaydii
  6. Sidaas bay ugu waajibtay Kelmedda Rabbigaa kuwa gaaloobay inay yihiin ehlu- Naar.
  7. Kuwa [malaa’igta] sida Caishiga [Allaah], iyo kuwa hareera joogaaba waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood oo rumaysan yihiin, oo waxay u danbi dhaaf dalbaan kuwa [Xaqa] rumeeyay [iyagoo Ieh], “Rabbiyow! Waxaad ku deeqdaa wax walba Naxariis iyo Cilmi ee u danbi dhaaf kuwa toobad keena oo raaca Jidkaaga, oo ka dhowr Cadaabta Naarta Ololka Badan.
  8. “Rabbiyow! Oo gali Beeraha negaya [jannaatul Cadan] aad u yaboohday iyaga, iyo wixii suubbanaada oo ka mid ah aabbayaashood, afooyinkooda iyo ubadkooda. Waxaad Adigu tahay Awood Badanaha, Xikmadda Badan.
  9. “Oo ka dhowr [ciqaabta wixii ay faleen oo] dembiyo ah, kiina aad ka dhowrto [ciqaabta, wixii uu falay oo] dembiyo ah Maalintaas, dhabtii waad u naxaiiistay, oo taas baa ah Liibaanta Wayn.
  10. Xaqiiqdii kuwa gaaloobay waxaa loogu dhawaaqaa [waqtiga galiddooda Naarta]: Canada Allaah [idiin qabay intii aad adduunka joogteen] baa ka wayn carada uu u hayo midkiinba kan kale [haatan Naarta gudaheeda, maadaama aad hadda cadowyo isu tihiin midkiinba midka kale], maxaa yeelay waxaa la idiinkugu yeeri jirey Iimaanka, waadsediidijirteen.”
  11. Waxay oran doonaan, “Rabbiyow! Waxaad nagayeeshay inaan dhimanno labo ” jeer [macnaha waa waxaynu ku ahayn meyd dhabarrada aabbayaashayo oo meyd ahayn geeridayadii kaddib noloshan adduunka] waxaadna na siisay nolol labo jeer [nolol markii aynu dhalannay iyo nolol marka iilka nalaga soo saaray]. Haatan waxaynu qirannay dunuubtayadii, ee ma jiraa jid uun si aan ugaga baxno debadda [Naarta]?
  12. [Waxaa la oran doonaa], “Sidaani waxaa keenay oo ku wacan marka la baryo oo loo yeerto Allaah keligi waad gaaloowdaan, markiise loo shariig yeelo waad rumaysaan. Ee xukunka waxaa leh Allaah, Sarreeyaha, Waynanka Badan.”
  13. Waa Kan idin tusiya Aayadahiisa [Calaamooyinkiisa, iyo wixi lamida] oo idiinka soo dejiya xagga samada risiq [roob], oo ma waantoobaan waxaan ahayn kawa u noqda [Allaah] oo toobad keenka badan.
  14. Ee baiya adiga [Muxammadow iyo mu’miniintaba] Allaah idinkoo u kali yeelaya [oo u barax tiraya] cibaadada, haba naceen gaaladuye.
  15. Waa Kan ay Sarreyso derejooyinkiisu ee iska leh Carshiga [Wayn]. Wuxuu ku soo dejiyaa waxyiga Amarkiisa ah kii uu doono oo ka mid ah Addoomahiisa si uu ugaga digo [dadka] Maalinta isla kulanka [Maalinta Qiyaame].
  16. Maalinta banka la keenayo, Ma jidho wax xaggooda ah oo ka qarsoon Allaah, [wuxuuna oran doonaa]: Yaa leh boqortooyada Maanta? [markaasuu oranayaa] Waxaa leh Allaah, waaxidka, Qahridda Badan.
  17. Maanta waxaa laga jaazaynayaa naf walba wixii ay kasbatay [samaan ama xumaan], ma jiro dulmi maanta. Xaqiiqdii, Allaah waa ku Dhaqsi Badan yahay xisaabinta.
  18. Oo uga dig [Muxammadow Maalinta dhow [waa Maalinta Qiyaamaha], marka ay quluubtu iman doonaan galawda [cabsi darteed] iyagoo walbahaarsan. ma laha Daalimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] saaxiib iyo shafeece la maqlayo midna.
  19. Wuxuu [Allaah] ogyahay khayaanada indhaha [waxa isha lagu xado] iyo waxa ay qarinayaan laabuhu.
  20. Oo Allaah wuxuu wax ku xukumaa Xaq, oo waxay baiyayaan Allaah sokadi, ma xukumi karaan waxba, Hubaashii, Allaah, waa Maqal Badanaha, Arkidda Badan.
  21. Mawaysan marin dhulka oo fiirin sida ay aheyd ciribtii kuwii ka horreeyay? Waxay ahaayeen kuwa ka xoog badan, oo ka camiraad badan dhulka, markaasuu Allaah ku qabtay ciqaab dambiyadoodii awgood. Oo lima sugnaan iyagu cid Allaah ka celisa.
  22. Oo waxaa sidaas keenay oo ugu wacan inay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin Cad Cad, wayse ku gaaloobeen. Markaas buu Allaah qabtay. Xaqiiqdii, waa Xoog Badane, Ciqaab daran.
  23. Oo waxaan dhabtii ula dirnay Muusaa Aayadahayaga iyo awood cad.
  24. Xagga Fircoon iyo Haamaan iyo Qaaruun, waxayse yiraahdeen, “Waa saaxir, been badan.
  25. Markii uu ugala yimid Xaq Xaggayaga, waxaay yiraahdeen, “Dila wiilasha kuwa [Xaqa] rumeeyay oo u daaya haweenkooda nolol [adeegsada]” mase aha dhagarta gaaladu waxaan ahayn khasaaro.
  26. Oo Fircoon wuxuu yiri, “I daaya aan dilee Muusaa, hana u yeerto Rabbigiis, waxaan anigu ka cabsanayaa inuu idin dhaqan rogo ama uu ka muujiyo arlada fasahaad.”
  27. Oo Muusaa wuxuu yiri: Waxaan ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiin mid kasta oo islawayn oo aan rumaysnayn Maalinta Xisaabta.
  28. Oo wuxuu nin mu’min ah oo ka mid ah Reer Fircoon oo qarsanayay Iimaankiisa yiri, “Ma waxaad ku dileysaan nin sababta ah inuu yiri: Rabbigay waa Allaah, isagoo idiinkala yimid Xujooyin iska Cad xagga Rabbigiin?; oo haddii uu yahay beenlow, isaga bay u daran tahay beentiisa; haddiise uu run sheegayo, waxaa idinku dhacaya qaar waxa [musiibadaha] uu idinku gooddi- nayo. Xaqiiqdii, Allaah ma hanuuniyo mid isagu ah danbi badne, been badan.
  29. Qoonkayoow! Idinka baa haysta xukunka maanta, oo ku adag dhulka. Yaase nooga gargaaraya Cadaabka Allaah haddii uu noo yimaado. “Fircoon wuxuu yiri, “Idinkula talin maayo waxaan ahayn wixii aan u arko may [abbaar] yihiin, oo idinkuma hanuuniyo waxaan ahayn jidka toosnaanta.
  30. Oo kii rumeeyay wuxuu yiri: Qoonka- yow! Waxaan anigu idiinka cabsanayaa sidii maalintii xizbiyadii
  31. Sidii wixii ku dhacay qoonkii Nuux iyo Caad, iyo Thamuud iyo kuwii ka dambeeyay, Allaahna ma aha mid la doona dulmi addoomahiisa.
  32. “Oo Qoonkayow! Waxaan anigu idiinka cabsanayaa Maalinta isu Yeeridda [Qiyaamaha].
  33. Maalinta aad jeedin doontaan dhabarra- diinna idinkoo carar ah, ma lihidin wax idinka celiya Allaah. Kiina Allaah dhumiyo ma uu laha wax hanuuniya.
  34. Oo wuxuu dhabtii idiinla yimid Yuusuf mar hore Xujooyin Cad Cad, kamase bixin shakigii aad ka qabteen wixii uu idiin keenay, jeer markii uu dhintay aad tiraahdeen: Ma soo diri doono Allaah gadaashiis wax Rasuul ah. Sidaas buu Allaah u dhumiyaa kii isagu ah xad gudbe, shaki badan.
  35. Kuwa ka dooda Aayadaha Allaah iyagoo aan heysan wax daliil ah oo u yimid, waa wax aad u xun [waxa ay ku jiraan] oo karaahiya ah Allaah agtiisa iyo kuwa [Xaqa] rumeeyay Sidaas buu Allaah u daboolaa qalbiga mid kastoo ah islawayne, Jujuubaa.
  36. Oo wuxuu Fircoon yiri, “Haamaanow! Ji dhis sar dheer waa intaasoo aan gaaraaye waddooyinka,
  37. Waddooyinka cirarka, oo markaas soo fiirsho ilaaha Muusaa; waxaanse anigu u malaynayaa inuu yahay beenaale. “Sidaas baa looga qurxiyay Fircoon xumaantii camalladiisa, oo looga duway Jidka Toosan, oo ma aha dhagarta Fircoon waxaan ahayn khasaaro isaga ku dhacday.
  38. Oo kii rumeeyay wuxuu yiri, “Qoonkayow i raaca, waxaan idinku hanuunin jid toosane
  39. “Qoonkayow! Noloshan Adduunka waa uun raaxo [yar], oo xaqiiqdii, Aakhirada baa ah Daarta Waari abadkeed.
  40. “Kii sameeyaa fal xun, laguma jaazeyn doono waxaan ahayn iyadoo kale. Kiise wanaag fala lab ama dheddig wuxuu ahaadaba isagoo mu’min ah, kuwaas waxay gali doonaan Jannada, iyagoo lagu irsaaqayo dhexdeeda xisaab la*aan.
  41. “Qoonkayow! Waa sidee, waxaan idiinku yeeraa badbaadada, halka aad idin- kuna iigu yeertaan Naar.
  42. Waxaad iigu yeertaan inaan ku gaaloobo Allaah oo la wadaajiyo [cibaadada] wax aan u heysan wax cilmi ah, aniguna waxaan idiinku yeerayaa xagga Awood Badanaha, Danbi Dhaafka Badan.
  43. “Shaki ma leh waxaad iigu yeereysaan xaggiisa ma leh nafci [iyo ajiidbid] adduun iyo aakhiraba, Oo noqodkeenna waa xagga Allaah. oo Musrifiinta [mushrikiinta, gaalada, xad gudbayaasha] Waa iyaga Ehlu-Naarka.
  44. “Waadna xusuusan doontaan waxa aan idin ku leeyahay, waxaana u bandhigay arrinkayga Allaah. Xaqiiqdii, Allaah waa Arkaha addoomahiisa.
  45. Markaas buu Allaah ka dhowray xumaanihii ay u qooleen, waxaana ku degay reer Fircoon cadaab daran.
  46. Naar baa loo bandhigaa subax iyo galabba, oo Maalinta ay dhaceyso Saacaddu [waxaa lagu oran doonaa malaa’igta] Galiya reer Fircoon cadaabta ugu daran.
  47. Oo [xus] marka ay ku doodayaan Naarta gudaheeda, waxay ducafadii [kuwii raciyadda aha a] ku oran doonaan kuwii [madaxda ahaa] ee isla waynaa; Waxaan innagu ahayn kuwo idinka idin raacsan, ee ma naga qaadi kartaan qayb ka mid ah Naarta?
  48. Waxay oran doonaan kuwii isla waynaa, “Waxaannu innagu dhammaan [wada jir] nahay [Naartan] gudaheeda. Xaqiiqdii, Allaah waa kala xukumay addoomahiisa dhexdooda. ’
  49. Waxay ku oran doonaan kuwii Naarta ku jiray furahayeennada [malaa’igta] Naarta: Noo baiya Rabbigiin hanaga khaflifiyo maalin qura’e cadaabta.
  50. Waxay oran doonaan [malaa’igta], “Mawaysan idiinla iman Rusushiinnii Xujooyin Cad Cad? Waxay oran doonaan, “Haah, Waxay ku jawaabi doonaan [inalaa’igta], “Marka baiya idinku. Oo baryada gaaladu ma aha waxaan ahayn mid ku dhacda meel baadi ah.
  51. Waxaan Annagu ugu gargaari doonaan Rusuhayada iyo kuwa [Xaqa] rumeeyay Aoloshan adduunka iyo Maalinta ay markhaatiyadu istaagi doonaan [waa Maalinta Qiyaamaha].
  52. Maalinta ayan waxba u tarayn Daalimiinta [mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha,] cudur daarashadooda. Oo waxay leeyihiin nacalad, oo waxay leeyihiin Daarta xun [Naar].
  53. Oo waxaynu dhabtii siinnay Muusaa hanuun, oo dhaxal siinnay ilmahii Israa’iil Kitaabka [Towraadda],
  54. Oo hanuun iyo waano u ah waxgaradka.
  55. Ee sabar [Muxammadow ^]. Xaqiiqdii, Yabooha Allaah waa Xaq, oo ka istiqfaarso dambigaaga, oo ku tasbiixso xamdiga Rabbigaa Cashiyyiga [waa waqtiga ka billowda duhurka illaa gabbal dhaca] iyo Ibkaarka [Waa waqtiga ka billowda subaxa hore ama qorrax soo baxa illaa duhrka ka hor] Waxaa la yiri waxaa loola jeedaa shanta salaadood ee faralka ah ama salaadaha Casar iyo subax].
  56. Xaqiiqdii, kuwa ka dooda Aayadaha Allaah, daliil u yimid la’aan, ma aha laabahooda waxaan kibir ahayn weligoodna ma gaarayaan [Nabinnimada Allaah kugu galladeystay] mar a ka magan gal Allaah, xaq iq ii, waa Isaga Maqlid Badanaha, Arkidda Badan.
  57. Abuuridda cirarka iyo dhulka baa dhabtii ka wayn abuuridda dadka, laakiinse dadka badankiisu ma oga.
  58. Oo ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, oo [ma sinna] kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan iyo kuwa fala xumaanta. Waxaa yar inta aad waantowdaan.
  59. Xaqiiqdii, Saacadda [Maalinta Qiyaame] hubaal waa imaanaysaa, shaki kuma jiro, laakiinse dadka badankiisu ma rumaysna.
  60. Oo Rabbigiin wuxuu yiri, “I baiya aan idinka ajiibee [baiyada]. Xaqiiqdii! Kuwa iska wayneeya baiyadeyda, waxay hubaashii gali doonaan Naar iyagoo dullaysan.”
  61. Allaah waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan dhexdiisa, oo maalinta idiin yeelay iftiin aad wax aragtaan. Xaqiiqdii Allaah waa u Roon yahay dadka, laakiinse dadku badankoodu ma shukriyaan.
  62. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Laa ilaaha illaa Huwa [Ma jiro ilaah xaq ah aan Isaga ahayn]. ee xaggee la idiinka iiliyay.
  63. Sidaas oo kale baa looga jeediyay [Xaqa] kuwii Aayadaha Allaah diidi jirey.
  64. Allaah, waa kan dhulka idiinka dhigay degaan, cirkana dhismo, oo idin suureeyay, oo wanaajiyay suuraddiinna, oo idinku irsaaqay waxyaalo wanaagsan. Kaas baa Allaah ah, Rabbigiin, ee waxaa kor ah Allaah, Rabbiga uumanka.
  65. Waa Noolaha Daa’inka ah. Ma jiro ilaah xaq aan Isaga ahayn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya [oo u barax tiraya] cibaadada. Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
  66. Dheh [Muxammadow ?§]: aniga xaqiiqdii waa la iga reebay inaan caabudo kuwa aad baiyaysaan Allaah sokadi, markii ay iiga yimaadeen Xujooyin Cad Cad xagga Rabbigay, waxaan la i amray inaan isu dhiibo oo u hoggaansamo Rabbiga uumanka.
  67. [Allaah] waa Kan idinka abuuray [Aadam] ciid, misna tifiq [biyo shahwo keentay, mino ka abuuray durriyada Aadam] misna xinjir [goosan dhiig adkaaday ah] misna idin soo bixiya idinkoo ilmo ah, misna [idinka yeela inaad kortaan] si aad u tabar gashaan oo aad u gaartaan da’da xoogga iyo quwadda, misna aad u noqotaan waayeel duqoobay [rag iyo dumarba], waxaase jira qaar idinka mid ah oo la oofsado [dhinta] intaas ka hor, iyo inaad gaartaan muddo magacaaban, bal inaad garowsataan.
  68. Waa [Allaah] Kan wax nooleeya, waxna dhinsiiya, oo markii uu xukmiyo [guddoomiyo] arrin wuxuu ku yiraahdaa oo kaliya “Ahaw!” waana ahaadaa.
  69. Mawaadaan arag kuwaa ka dooda Aayadaha Allaah? Xaggee looga iilayaa XaqaP
  70. Kuwa beeniya Kitaabka [Qur’aanka] iyo wixii aan lasoo dirnay rusushayada way ogaan doonaan [waxa ku dhaca].
  71. Marka la yeelo koorar bir ah Iuqmahooda, silsilooyinna. lagulajudo.
  72. Biyo kulul ee karaya gudaheed, oo misna Naar lagu gubo.
  73. Oo markaas lagu yiraahdo, “Meeye wixii aad caabudeyseen?
  74. “Allaah sokadi” Waxay oran doonaan: far Waa naga dhumeen: mayee, ma aannu baiyi [caabudi] jirin waxba awal.” Sidaas buu Allaah u dhumiyaa gaalada.
  75. Taasi waa waxaad ugu faixi jirteen dhulka xaq dairo iyo inaad isku kibrin jirteen.
  76. Ee gala irdaha Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda, maxay meel baas tahay rugta isla waynayaasha.
  77. Ee sabar [Muxammadow %], xaqiiqdii, Yabooha Allaah waa Xaqe,oo haddii aan kugu tusno [Muxammadow & dunidan] qaar ka mida waxa aan u u yaboohno [oo cadaab ah], ama aan ku oofsannaba [intaas ka hor], waa Xaggayaga halka loo soo celin doono.
  78. Oo waxaan dhabtii soo dimay Rusul hortaa [Muxammadow jS], waxaa ka mid ah kuwo aan kaaga qisoonnay, oo waxaa ka mid ah uwo aan kaaga qisoonin, oo ma laha Rasuulna inuu la yimaado Calaamo [Mucjizo] idanka Allaah ma’ahee. markiise uu yimaado Amarka Allaah, waxaa lagu xukumi doonaa Xaq, waxaana ku khasaara halkaas kuwa baadil raaceenka ah.
  79. Allaah waa Kan idiin yeelay nicmooleyda [xoolaha], si aad u fuushaan qaar ka mid ah, qaama wax uga cuntaan.
  80. Oo waxaad ku qabtaan Manaafacaad [kale oo badan], iyo inaad ku gaartaan dan aad leedihiin oo ku jirta laabihiinna [ku rarataan alaabadiinna, culaabyadiinna, iyo wixi lamida] oo dushooda iyaga iyo doomaha baa la idinku qaadaa.
  81. Oo Wuxuu idin tusiyaa Calaamooyinkiisa, ee tee baa Calaamooyinka Allaah diidaysaan?
  82. Mawaysan marin dhulka oo fiiirin sida ay aheyd ciribtii kuwii ka horreeyay? Waxay ahaayeen kuwo ka tiro badan, oo ka xoog badan, iyo camiraadba arlada, waxbase uma tarin wixii ay kasban jireen.
  83. Markii ay ula yimaadeen Rusushoodii Xujooyin Cad Cad, waxay ku farxeen wixii ay heysteen oo aqoonta [arrimaha < adduunka ah]: oo waxaa ku decay wixii ay kujeesjeesi jireen [cadaabka].
  84. Markii ay arkeen Baaskayagii [Cadaabkayagii] waxay yiraahdeen, “Waxaan rumaynay Allaah Keliya, oo ku gaalownay wixii aan cibaadada la wadaajin jimay.
  85. Mana ahayn kuwo ay anfacaysa Rumayntoodu, markii ay arkeen baaskayagii [Cadaabkayagii], [Sidan] oo kale bay soo aheyd waddadii Allaah iyo hannaanka ula dhaqankiisa addoomahiisa. Oo waxaa ku kbasaaray balkaas

Suuradda 41aad: Fussilat [Waxaa loo Faahfaahiyay si Tifaftiran]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Xaa Miim [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah oo kaliya baa ogsoon muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. [Qur’aanku] waa soo dajinta Allaah naxariistaha, naxariista badan.
  3. Waa Kitaab aayadihiisa loo faahfaahiyay si cad, Qur’aan Carabi ah, ciddii wax garanaysa.
  4. Ah side bishaarooyin wanaagsan [ee ah Jannada loo diyaariyay kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan] iyo dige [uga diga cadaabka Naarta kuwa ku gaalooba Allaah oo la yimaada shirki iyo macaasi], waase ka jeesadeen badankood, waxna ma maqlayaan.
  5. Waxayna yiraahdeen, “Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxa aad noogu yeereyso, dhegahayagana waxaa ah culeys, oo waxaa ah dhexdeenna innaga iyo adiga xijaab, ee u camal falo [sida dowga kula ah]; waxaan innaguna u shaqeyneynaa [sida dowga nala ah ee nala qumman].
  6. Dheh [Muxammadow cfe]: Anigu waxaan ahay oo keliya qof idinla mid ah, waxaana la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay hal ilaah [Allaah Keliya], ee u toosnaada Xaggiisa, oo weydiista danbi dhaaf, Hoogna waxaa leh Mushrikiinta.
  7. Kuwa aan bixin Zakada oo ah kuwo Aakhirada ku gaaloobay.
  8. Xaqiiqdii, kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban. Waxay leeyihiin Ajar aan Go’eyn [Janno].
  9. Dheh [Muxammadow]’- “Ma waxaad ku gaaloobeysaan Kan ku abuuray dhulka labo maalmood oo u yeeleysan shariigyo [xagga cibaadada]? Kaasu waa Rabbiga uumanka.
  10. Oo Wuxuu yeelay dhexdeeda [waa arlada] buuro sugan oo korkeeda ah, oo| barakeeyay dhexdeeda oo ugu qaddaray [qiyaasay] quudkeeda [degaannadeeda] afar maalmood oo isla eg. waxaa iska leh [war bixintaa] dhammaan kuwa wax ka weydiiya [abuursiteeda].
  11. Dabadeed Wuxuu u qasday xagga samada oo qiiq ah, markaasuu wuxuu ku yiri iyada iyo dhulkaba, “Ku imaada oggolaansho ama khasab; waxay yiraahdeen: Waxaan ku nimid adeecsanaan.
  12. Markaasuu ku bogay abuuristooda toddoba samood labo maalmood gudahood, oo wuxuu ilhaanshay cir walba amnkiisa. Oo waxaynu ku qurxinnay samada soke nalal [yacni xiddigo] bilic ah, isla markaana looga xafido [shaydaammada]. Waxaasu waa Qaddarka Awood Badanaha, Cilmiga Badan.
  13. Haddiise ay jeesadaan, dheh [Muxammadow “Waxaan idiinka digay Saaciqah [Cadaab] la mida tii ku dhacday [qoonkii] Caad iyo Thamuud ”
  14. Markii ay Rusushii uga yimaadeen hortooda iyo gadaashoodaba [iyagoo leh], “Ha caabudina cidaan ahayn Allaah” Waxay yiraahdeen, “Haddii uu Rabbigayo doono, wuxuu hubaashii soo dejin lahaa malaa’ig. Ee innagu waxa la idinla soo diray waa ku gaalownay.”
  15. Xagga Caad, waxay isku kibriyeen arlada xaq darro, oo waxay yiraahdeen, “Yaa naga xoog badan? Mawaysan arag in Allaah ee abuuray iyaga uu ka xoog badan yahay. Waxayna ahaayeen kuwo Aayadahayaga diida.
  16. Markaas baan waxaan u dimay dabayl hugmaysa maalmo baas, si a an ugu dhadhansiino cadaabta dulliga nolosha adduunka, cadaabta Aakhiro baase ka sii dulleyn badan, oo looma gargaaro.
  17. Xagga Thammuudna, waxaan tusnay oo u caddaynay Jidka Xaqa, Annagoo u dimay Rasuulkayaga [macnaha waa wuxuu tusay Jidka liibaanta], waxayse ka fadileen indha la’aan hanuunka, markaas baa waxaa qabtay As-Saaciqah [qaylo daran oo naxdin leh, cadaab, jug, biriq], wixii ay kasban jireen [oo dembiyo ah] awgeed.
  18. Oo waxaynu badbaadinnay kuwii [Xaqa] rumeeyay oo ka dhowrsan jirey [shirkiga, gaalnimada iyo macaasida].
  19. Oo [xus] Maalinta cadowyada Allaah loo soo klmin doono Naarta, marka waxaa la isugu keeni doonaa halkaa [koodii u horeeyay iyo koodii u dambeeyayba].
  20. Haa, markii ay soo gaaraan [Naarta] waxaa ku marag fura maqalkooda [dhegahooda] iyo indhahooda iyo oogadooda wixii ay fali jireen.
  21. Oo waxay ku oran doonaan oogadooda, “Maxaad noogu marag furteen? “Waxay oran doonaan, “Waxaa naga hadliyay Allaah, ee ka hadliya wax walba, oo Isaga baa idin abuuray markii hore, oo Xaggiisa baa la idiin cel in doonaa.
  22. Oo ma aydaan ahayn kuwo iska astura si aysan idiinku markhaati furin dhegahiinna, iyo indhahiinna iyo oogooyinkiinna, laakiinse waxaad mooddeen inuusan Allaah ogeyn wax ‘V badan oo waxa aad falaysaan ah
  23. Kaasina waa Malihiinna aad ku maleyseen Rabbigiin, isaga baana idiin halaagay, waxaadna ahaateen kuwa khasaaray.
  24. Haddii ay sabrayaan [iyo haddii kaleba], waa Naarta hoygooda, oo haddii ay dalbaan in loo cudur daaro, ma aha kuwo loo cudur daarayo.
  25. Waxaana u yeellay [gaalada] saaxiibbo [adduunkan] markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah [acmaashii xumeyd ay ku falayeen noloshan adduunka iyo ku gaaloobiddoodh Is-Xisaabmta iyo soo Bixinta iilka layska soo saari doono, iyo wixi lamida]  iyo waxa gadaashooda ah [beenintoodii Xyg arrimaha nolosha imaneysa ee Aakhirada ee la xiriira ciqaabta ama is abaal marinta, in qabriga laysku janneyn doono ama la isku cadaabi doono, iyo wixi lamida], oo waxaa ku waajibay Qawlkii [cadaabta] sida uu ugu waajibeyba kuwo ka mid ahaa ummadahii tegay oo jin iyo insiba leh ee tagay hortood iyaga. Waxay ahaayeen kuwo khasaaray.
  26. Oo waxay yiraahdeen kuwii gaaloobay, “Ha dhegaysannina Qur’aankan oo ku fura buuq [marka la aqriyayo] waa intaasoo aad adkaataane.
  27. Waxaan hubaashii dhadhansiineynaa kuwa gaaloobay cadaab daran, oo waxaan xaqiiqdii ku abaal marin doonnaa kii ugu xumaa wixii ay fali jireen.
  28. Taasu waa jaasada cadawyada Allaah: Naarta, waxay ku leeyihiin dhexdeeda Daaita Waaridda jaazeyn ahaan waxay Aayadahayaga diidi jireen.
  29. Oo waxay oran doonaan kuwii gaaloobay, “Rabbiyow! Na tus kuwaasi na dhumiyay oo jinka iyo insiga leh, si aan u yeello cagahayaga hoostooda, si ay u noqdaan kuwa ugu hooseeya [Naarta].
  30. Xaqiiqdii, kuwa yiraahda, “Rabbigayo waa Allaah [Keliya], “oo toosnaada waxaa ku soo degi doona malaa’igta waqtiga I dhimashadooda [iyagoo leh]: Ha cabsannina, hana murugoonnina, ee ku bishaaraysta Jannadii la idiin yaboohay.
  31. “Annagaa baa ah gacalladiin nolosha Adduunka iyo Aakhiradaba, waxaadna ku leedihiin [j armada] dhexdeeda wixii ay nafahiinnu doonaan, oo waxaad ku leedihiin dhexdeeda wixii aad dalabtaan.
  32. “Martiqaad xagga [Allaah] ah, danbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
  33. Oo yaa ka wanaagsan hadal ahaan kan ugu yeera [dadka] xagga Allaah, oo fala camallo suubban,oo yiraahda:” Waxaan anigu ka mid ahay Muslimiinta.
  34. Oo ma sinna samaanta iyo xumaanta, ku tir [xumaanta] tan iyadu wanaagsan, markaas kii ay idiin dhexeysay cadaawadi [\vuxuu noqonayaa] sidii gacal, saaxiib dhow ah.
  35. Lamase siiyo [tilmaantaa la soo xusay] waxaan ahayn kuwa sabra, oo lama siiyo waxaan ahayn mid saami wayn ku leh [wanaagyada aakhirada waa Jannada, dumdana ku leh diin iyo dabci wanaagsan].
  36. Oo haddii uu ku waswaasiyo Shaydaan oo isku dayo inuu kaa jeediyo [Muxam- madow [khayrka, iyo wixi lamida,] ka magan gal Allaah [oo ka cuudubilleyso sheydaankaa]. Xaqiiqdii, [Allaah] waa Maqlid Badanaha, Cilmiga Badan.
  37. Calaamooyinkiisa waxaa ka mid ah abuurista habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa. Ee ha u sujuudina qorraxda iyo dayaxa ee u sujuuda Allaah ee abuuray haddii aad tihiin kuwo Isaga Keliya caabudaya.
  38. Haddiise ay iska waynaayaan [inay sidaa yeelaan], kuwaa ah Rabbigaa agtiisa [malaa’igta] waxay Naz ahaan oo u Tasbiixsadaan [Allaah] habeen iyo maalinba oo mamaba kama daalaan.
  39. Oo Calaamooyinkiisa waxaa ka mid ah inaad aragto dhulka oo bas [abaar] ah, markiise aan ku soo dejinno biyo [roob] la ££ ^ ^ dhaqdhaqaaqda nolol iyo soo bixin [miro gft dhalin]. Xaqiiqdii, Kan nooleeyay, hubaashii, wuxuu nooleyn doonaa maytida [Maalinta Qiyaamaha]. wax walbana waa uu Karaa.
  40. Xaqiiqdii, kuwa iiliya Aayadahayaga [iyagoo wax ka sheegaya, beddelaya macnahooda, oo beeninaya], ma aha kuwo naga qarsoon. Ma mid lagu tuurayo Naarta baa khayr badan mise mid imaanaya isagoo aamin ah Maalinta Qiyaamaha? Fala wixii aad doontaan. Xaqiiqdii, Waa uu arkaa waxa aad falaysaan [tani waa gooddin iyo handadaad daran ee loo jeediyay mushrikiinta, gaalada, dambiilayaasha, iyo wixi lamida].
  41. Xaqiiqdii, kuwa ku gaaloobay Waanada [waa Qur’aankan: aan dan u galin akhri- sashadiisa, dhageysigiisa, ku camal fal- kiisa, u gar dhigashadiisa, isku xukunkiisa, iyo wixi lamida] markii uu u yimid [way la kulmi doonaan cadaabta] oo xaqiiqdii, Qur’aanka, waa Kitaab sharaf leh [maxaa yeelay waa hadalkii Ilaahay, oo wuu ka dhowray falaad iyo wax in lagu siyaadiyo ama wax laga naaqusiyo, iyo wixi lamida].
  42. Baadil ugama imaan karo hortiisa ama gadaashiisa [waxaa] laga soo dajiyay xagga Xikmad Badanaha, Mudan ammaan idilkeed [Allaah] ee la mahdiyo.
  43. Waxba lagu oran maayo [Muxammadow aan ka ahayn wixii lagu yiri Rusushii kaa horraysay. Xaqiiqdii, Rabbigaa waa Kan leh danbi dhaaf, oo [sidoo kale] leh Ciqaab Xanuun Badan.
  44. Oo haddii aan ka yeeli lahayn Qu’raan cajami ah [af shisheeye aan Carabi ahayn], waxay oran lahaayeen:” Maxaa Aayadihiisa loogu faah-faahin waayay [afkayaga]. Waa maxay kitaab aan Carabi ahayn [Rasuulkunu] yahay Carab? Dheh:” Wuxuu u yahay kuwa [Xaqa] rumeeyay hanuun iyo caafimaad. Kuwase aan nimeyn dhegahooda waxaa ah culeys, waana ka indha la’ yihiin Kuwaasu waa kuwa looga dhawaaqayo meel fog [marka ma dhageystaan man a fahmaan].
  45. Oo waxaan dhabtii siinnay Muusaa Kitaabka [Towraadda], waase la isku khilaafay. Oo haddii aysan jirin Kelmed ka hoimartay Rabbigaa [in dib loogu dhigo kala xukunkooda madal Maalin la yaqaan_ Maalinta Qiyaamaha], waa la kala xukumi lahaa [khilaafyada] dhexdooda ah; waxayse xaqiiqdii kaga sugan yihiin shaki badan.
  46. Kii u dhaqma si wanaagan isaga bay [dan] u tahay, kiise u dhaqma si xun [isaga bay u daran tahay] Rabbigaana ma’aha mid dulmiya addoommaha.
  47. Xaaggiisa [Allaah] baa loo celiyaa Cilmiga Saacadda [Qiyaame], ma jiraan miro ka soo baxa galkooda, iyo dheddig wax ku qaadda [uurkeeda], oo kuma dhasho [ilmo] waxaan ahayn Cilmigiisa. Oo Maalinta marka uu u yeeri doono [mushrikiinta] [Isagoo leh]; “Meeye kuwii aad ila wadaajiseen cibaadada; Waxay oran doonaan:” Waxaan ku ogeysiineynaa inuusan nagu jirin mid ka marag furi kara anintaas [inay yihin shariigyadaada].
  48. Oo waxay waayi doonaan wixii ay baiyi jireen awal hore, waxayna yaqiinsan doonaan inaysan 1 ahayn meel ay ka magan galaan [Cadaabka Allaah].
  49. Aadanuhu [kan gaalka ah] kama daalo weydiisiga [wax wanaagsan Allaah], haddiise uu shar taabto, waa uu quusasho badan yah ay.
  50. Oo haddii aan dhadhansiinno Naxariis Xaggayaga ah, kaddib xoogaa dhibaato ah [faqri ama jirro, iyo wixi lamida], oo taabtay, wuxuu yiraahdaa: Aniga baa waxakan leh [oo mudan], oo u maleyn maayo inay Saacaddu [Qiyaame] dhici doonto, haddiina la ii celiyo xagga Rabbigay, waxaan ku leeyahay agtiisa wanaag [maal, carruur, mansab iyo wixi lamida]. Waxaan hubaashii Annagu uga warrami doonnaa kuwa gaaloobay wixii ay faleen oo waxaan dhadhansiin doonnaa Cadaab Qallafsan.
  51. Oo marka aan u nicmeyno Aadanaha, waa jeesadaa oo ka fogaadaa khayrka, maikiise ay taabato dhibaato, waa baiyo badan yahay.
  52. Dheh, “Bal ka warrama haddii uu [Qur’aankani] ka yimid xagga Allaah, oo markaas aad ku gaalowdaan, yaa ka dhunsanaan badan qof gaalnimo iyo collaytan ku jira ee ka fog [Jidka Allaah ee toosan iyo adeeciddiisa].
  53. Waxaan ka tusin doonnaa Calaa- mooyinkayaga koonka iyo nafahoodaba intay uga caddaato inuu [Qur’aankani] yahay Xaq. Ma wuusan ku fillayn Rabbigaa inuu wax walba u jeedo oo ka yahay markhaati.
  54. Xaqiiqdii! Waxay [gaaladu] kaga sugan yihiin shaki la kulanka Rabbigood [waa soo bixinta dhimashadooda kaddib, iyo u noqoshadooda xagga Rabbigood]. Xaqiiqdii, wax kasta waa uu Koobay.

Suuradda 42aad: Ash-Shuuraa [Wada Tashiga]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Xaa Miim.
  2. Cayn Siin Qaaf [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah oo Kaliya baa ogsoon muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  3. Sidaas buu [Muxammadow] kuugu waxyooday, sidii uu ugu [waxyoodayba] kuwii kaa horreeyay Allaah awood badanaha, xikmadda badan.
  4. Isaga baa iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka, waana Sarreeyaha Wayn.
  5. Waxay sigayaan cirarku inay soo dildillaacan iyaga korkooda [awoodda iyo waynida Ilaahay darteed], oo malaa’igtu waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood, oo u waydiiyaan danbi dhaaf waxa korkiisa ah dhulka, xaqiiqdii Allaah waa danbi dhaaf badanaha, naxariista badan.
  6. Kuwase yeesha Allaah sokadi awliyaa [ilaaliyaal, gargaarayaal, ilaahyo, rabbiyo, iyo wixi lamida] Allaah baa ah Xafiid [Ilaaliye] korkooda [ka warqaba acmaashooda oo ka jaazayn doona] oo adigu [Muxammadow] kama tihid wakiil [mas’uul arrimahooda, si aad u xafido acmaashooda].
  7. Oo sidaas baan kuugu waxyoonnay [Muxammadow] Qur’aan [Carabi ah] si aad ugu digto hooyada magaalooyinka [Makka] iyo waxa hareereheeda ah, oo uga digto Maalinta Kulanka ee uusan ku jirin shaki, marka ay qolo ahaan doonaan Jannada gudaheeda, qolana Dabka huraya.
  8. Oo haddii Allaah dooni lahaa, wuxuu ka yeeli lahaa ummad kaliya, laakiinse wuxuu galiyaa ciddii uu doono naxariistiisa [Jannada], daalimiintuna [mushrikiinta, gaalada, iyo danbiilayaasha, iyo wixi lamida] ma leh wax ah wali [gacal dhawra] iyo gargaare midna.
  9. Mise waxay yeesheen Allaah sokadi awliyaa [ilaaliyaal, gargaarayaal, taliyaal, iyo wixi lamida]? Waase Allaah Waliga [ilaaliyaha] waana Kan nooleeya maytida, oo Isagaa wax walba kara.
  10. Oo wixii aad isku khilaaftaan oo wuxuun ah go’aankiisa waxaa leh Allaah [oo waa in loo bandhigaa Qur’aanka iyo sunnada], kaas baa ah Allaah Rabbigay, Isaga baan talo saartaa, oo Xaggiisa ula noqdaa wixii arrimahayga ah oo idil.
  11. Waa askumaha cirarka iyo dhulka, wuxuu idinka yeelay labo nooc [lab iyo dhaddig] nafahiinna, oo uyeelay nicmoolayda [sidoo kale] noocyo. Sidaa buu idiin ku abuuraa [riximyada]. Ma jiro wax la mid ah, waana maqlid badanaha, arkidda badan.
  12. Isaga baa iska leh furayaasha cirarka iyo dhulka, wuxuu u waasiciyaa rizqiga kii uu doono, oo ku ciriiriyaa [kii uu doono]. Xaqiiqdii [Allaah] wax walba waa og yahay.
  13. Wuxuu idiin jideeyay xagga diinta isla wixii [Islaamka] uu ku faral yeelay Nuux, iyo waxa aan kuu waxyoonnay [Muxammadow], iyo wixii aan ku faral yeelnay Ibraahiim, Muusaa iyo Ciisaa: inaad oogtaan diinta, oo ku kala tagin [noqon kooxo iyo dariiqooyin] diinta. Wax culus oo ayan qaadan karin mushrikiinta waa waxa aad [Muxammadow] ugu yeerto. Allaah wuxuu u doortaa xaggiisa kii uu doono, oo wuxuu u hanuuniyaa xaggiisa kii ugu soo noqda [tawbad iyo daacad].
  14. Oo ma ay kala tagin umana qaybsamin [kooxo iyo dariiqooyin] markii uu uyimid cilmiga ma’ahee, xasad darti dhexdooda ah, oo haddii aysan jirteen kalmad uga dhacday horay Rabbigaa oo muddo magacaaban ah [waa in lala sugo madal muddo la yaqaan ah kala xukunkooda] waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, oo xaqiiqdii kuwa la dhaxal siiyay Kitaabka iyaga kaddib [Yahuudda iyo Nasaarada] waxay ku sugan yihiin shaki ku saabsan [diinta Allaah ee Xaqa ah – Islaamka].
  15. Sidaas darteed ugu yeer [Muxammadow] dadka [diinta Islaamka iyo Qur’aankan] oo u toosnow oo sugnow sida lagu amrayba, oo ha raacin hawadooda oo dheh, “Waxaan rumaynay waxa uu Allaah soo dajiyay oo Kitaab ah [Qur’aankan, Tawraadda, Injiilka, Suxuftii Ibraahiim, iyo wixi lamida], oo waxaa la i’amray inaan falo caddaalad dhexdiinna, Allaah baa ah Rabbigayo iyo Rabbigiin, waxaan leennahay camalladayada idinkuna waxaad leedihiin camalladiinna [barii’ baan ka ahay camalladiinna] doodina inama dhex taallo. Allaah baa nasoo kulmin doona innagoo dhan, oo waa xaggiisa noqodka dambe.
  16. Oo kuwa ka dooda arrinka Allaah [diinta Islaamka ee Muxammad lalasoo diray] kaddib markii laga aqbalay [xagga dadka], qiimo kuma fadhiyo murankooda Rabbigood agti, oo korkooda caro [Allaah] baa ah, oo waxay leeyihiin cadaab daran.
  17. Allaah waa Kan kusoo dajiyay Kitaabka [Qur’aanka] xaq iyo miizaanka [caddaaladda], oo maxaa ku ogaysiiyay waa intaasoo Saacaddu [Qiyaamadu] dhawdahay?
  18. Waxaa dagdagsada [Saacadda] kuwa aan rumaysnayn waxa dhexdeeda ah, halka kuwa rumaysan ay ka baqaan, oo waxay ogyihiin inay tahay xaq. Xaqiiqdii kuwa ka dooda arrinka Saacadda [Qiyaamaha] waxay ku sugan yihiin baadi fog.
  19. Allaah waa u roon yahay addoomihiisa, wuxuu irzaaqaa ciddii uu doono, oo waa xoog badanaha, awoodda badan.
  20. Kii ku raba [camalladiisa] ajarka Aakhirada, Waxaan siinnaa ziyaado ajar ahaan, kiise ku raba [camalladiisa] ajar adduunyo waxaan ka siinnaa [wixii uqoran isaga oo calaf ah] oo kuma laha wax saami ah Aakhirada.
  21. Mise waxay leeyihiin [gaaladu] kuwo [ilaahyo kale ay Allaah] u shariig yeelaan ee u jideeyay diin uusan Allaah idmin? Haddiina ayan jirin kalmadda kala bixinta [oo horay nooga dhacday – oo ah in lala sugo kala xukunkooda madal Maalin la yaqaan] waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, oo xaqiiqdii daalimiinta [mushrikiinta, gaalada iyo xumaan falayaasha] waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.
  22. Waxaad arkaysaa [Maalinta Qiyaamaha] daalimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] oo ka baqsan wixii ay kasbadeen oo [cadaabka Allaah] ah, wuuna ku dhici korkooda, kuwase [xaqa] rumeeyay oo fala camallo suubban waxay gali doonaan beeraha Jannada, waxay ku leeyihiin wixii ay doonaan Rabbigood agtiisa, taas baa ah fadliga wayn [Jannada].
  23. Taasi waa [Jannada] uu Allaah ugu bishaareeyo addoomihiisa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban. Dheh [Muxammadow], “Ujuuro idin ku waydiisan maayo waxakani, waxaan ahayn inaad iigu xiriirisaan si jacayl leh qaraabannimada aan idin la wadaago [waxaan idin ka codsanayaa oo kaliya inaydaan idhibin wada dhalashada iyo xiriirka qaraabannimo ee noo dhaxaysa aniga iyo idinka awgeed, waayo waxaad tihiin tolkay, xaq gaara baana idin sii saaran inaad i’adeecdaan iguna raacdaan diinta xaqa ah].” Oo kii kasbada wanaagna waxaannu u ziyaadinaynaa wanaag, xaqiiqdii Allaah waa danbi dhaaf badane, mahdin badan.
  24. Mise waxay leeyihin, “Wuxuu ku been abuurtay Allaah!” Haddii uu Allaah doono, wuxuu dabooli lahaa qalbigaaga, oo Allaah waa tirtiraa baadilka, oo wuxuu ku sugaa xaqa Kalmadihiisa [Qur’aankan]. Xaqiiqdii [Allaah] waa ogyahay waxa [siraha] ku jira laabaha [dadka].
  25. Waa Isaga Kan ka aqbala tawbada addoomihiisa ee cafiya danbiyada oo waa og yahay waxa aad falaysaan.
  26. Oo Wuxuu ajiibaa [baryada] kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban, oo uziyaadiyaa fadligiisa, gaaladana waxaa u sugnaaday cadaab daran.
  27. Oo haddii Allaah ufidiyo rizqi addoomihiisa, waxay hubaashii ku kibri lahaayeen arlada, laakiinse Wuxuu usoo dajiyaa qaddar waafaqsan sida uu rabo. Xaqiiqdii [Allaah] addoomihiisa waa ka warhayaa oo waa uu arkaa.
  28. Oo waa Isaga Kan soo dajiya roobka kaddib markii ay quusteen oo ku faafiya uunka raxmaddiisa, oo waa Isaga Waliga [gargaaraha, ilaaliyaha, gacalka, iyo wixi lamida] mudan ammaan idilkeed ee la mahdiyo.
  29. Oo waxaa kamid ah aayadkiisa [calaamooyinkiisa] abuurista cirarka iyo arlada iyo waxa uu ku firdhiyay dhexdooda oo [naflay] dhul socod ah, oo [Allaah] inuu soo kulmiyo [ dhimashadooda kaddib] oo isu keeno markii uu doonaa waa awoodaa.
  30. Oo wixii idin ku dhaca oo musiibo ah waa waxay galabsadeen gacmihiinnu, oo Wuxuu idin ka cafiyaa wax badan.
  31. Oo ugama fakan kartaan [ciqaabka] Allaah dhulka, oo ma lihidin Allaah ka sokow wax wali ah [ilaaliye, wakiil, gacal] iyo gargaare midna.
  32. Oo waxaa kamid ah calaamooyinkiisa doomaha socda badda ee la moodo buuro.
  33. Haddii uu doono Wuxuu joojiyaa dabaysha, markaas bay noqdaan wax qondooda [fariista badda] korkeeda, xaqiiqdii tani gudaheed waxaa ugu sugan calaamooyin mid kasta oo sabrid iyo mahdin badan.
  34. Ama waa intaasoo uu halaago [hafiyo] waxa ay [dadka saaran] kasbadeen oo danbiyo ah awgeed, oo Wuxuu cafiyaa in badan.
  35. Oo ha ogaadeen kuwa [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha, iyo wixi lamida] kala dooda rasuulkayaga [Muxammad] xagga aayadahayaga [xujooyinka, calaamooyinka, caddaymaha, iyo wixi lamida] inaysan lahayn meel ay ka magan galaan oo irkad uga ah [ciqaabka Allaah].
  36. Ee wixii la idin siiyo oo wuxuun ahi waa raaxada tagaysa ee nolosha adduunkan, waxase jira xagga Allaah [Jannada] baa u khayr badan oo u daa’imsan kuwa [xaqa] rumeeyay oo Rabbigood tala saarta.
  37. Ee ah kuwa ka fogaada danbiyada waawayn iyo fool xumooyinka, oo marka ay caroodaan wax cafiya.
  38. Oo ah kuwa ajiiba yeeritaanka Rabbigood [Tawxiidka] oo u ooga salaadda si wanaagsan, arrinkooduna tashi yahay dhexdooda, oo wax ka bixiya wixii aan ku irzaaqnay.
  39. Oo ah kuwaas marka aabi [gaf dulmi] lagu falo, aar guta.
  40. Jaazada hal xumaan ahi waa xumaan lamid ah, kiise iska cafiya oo ka taliya samo, ajarkiisu wuxuu saaran yahay Allaah, xaqiiqdii Allaah ma uu jecla daalimiinta.
  41. Oo kii aar guta kaddib markii loo gaystay dulmi, kuwaasi laguma leh jid.
  42. Ee waxaa sideedaba jidka lagu leeyahay [oo eed leh] kuwa dulmiya dadka, oo ku kibra dhulka xaq darro, kuwaasu waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.
  43. Kiina sabra oo wax iska cafiya, taasi waa arrin loo qasdo [oo wanaagsan].
  44. Kii Allaah dhumiyo, ma uu laha wali [ilaaliye] Isaga ka sokow, oo waxaad arki doontaa daalimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha, iyo wixi lamida] markii ay arkaan cadaabka, iyagoo leh, “Miyay jidhaa wax noqosho ah iyo jid loogu laabto [adduunkii]?”
  45. Oo waxaad arki doontaa iyagoo horay loo keenay xaggeeda [Naarta] oo lagu daboolay dulli [oo] ku eegaya libiqsi qarsoon, oo kuwa [xaqa] rumeeyay waxay oran doonaan, “Xaqiiqdii, khasaarayaasha waa kuwa khasaara nafahooda iyo eheladooda Maalinta Qiyaamaha.” Xaqiiqdii, daalimiinta waxay ku sugnaan doonaan cadaab ma guuraan ah.
  46. Oo ma yeelan doonaan awliyo [ilaaliyaal] u hiiliya Allaah sokadi, oo kii uu Allaah dhumiyo, ma uu laha wax jid ah.
  47. Ajiiba yeeridda Rabbigiin [oo aqbala Tawxiidka Islaamka, dadka iyo jinkow] inta aysan ka imaan xagga Allaah Maalin aan ahaan karin mid la celiyo, ma lahaan doontaan wax irkad ah Maalintaas, oo ma idiin ahaan doonto idinka wax ah inkirid [danbiyadiinna maadaama ay dhammaan ku qoran yihiin diiwaanka camalladiinna].
  48. Haddiise ay ka jeesadaan [Muxammadow Tawxiidka Islaamka aad u keentay] Annagu kuuguma aannu soo dirin [Muxammadow] xafiid [ilaaliye] ahaan korkooda, xilkaagu waa uun inaad gaarsiiso [fartiinta Ilaahay], oo marka aan dhadhansiinno Aadamaha naxariis Xaggayaga, waa uu ku farxaa, markiise ay ku dhacdo xoogaa dhibaato ah ay ugu wacan tahay camalladii ay gacmahoodu gaysteen, xaqiiqdii Aadamuhu [kan gaalka ahi] waa jazzaar abaal dhac badan.
  49. Allaah baa iska leh xukumka cirarka iyo dhulka, Wuxuu abuuraa wixii uu doono, Wuxuu ugu deeqaa dhaddigood [gabdho] kii uu doono, oo ugu deeqaa labood [wiilal] kii uu doono.
  50. Ama Wuxuu ugu deeqaa labood iyo dhaddigood [gabdho iyo wiilalba], Wuxuuna ka dhigaa kii uu doono ma dhalays. Xaqiiqdii [Allaah] waa cilmi badane, awooda badan.
  51. Ma aha Allaah inuu qofna la hadlo waxyi maahee, ama xijaab gadaashi ama inuu usoo diro rasuul ugu waxyooda wixii uu doono Idankiisa, xaqiiqdii [Allaah] waa Sarreeye, xikmad badan.
  52. Oo sidaas baan waxaan kuugu waxyoonnay [Muxammadow] Ruux [waxyi iyo naxariis] Amarkayaga ah oo ma aadan ogayn wuxuu yahay Kitaab iyo Iimaan midna. Laakiinse waxaan ka dhignay [Qur’aankan] Nuur aan ku hanuuninno ciddii aan doono oo kamid ah addoomahayaga, oo waxaad adigu [Muxammadow] dhabtii ku hanuunisaa [dadka] jid toosan.
  53. Jidka Ilaahay, ee ah Kan iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka. Xaqiiqdii, arrimaha oo idil waxay ugu dambayn u aadaan Allaah [go’aan ka bixin oo Isaga baa ka taliya arrimaha].

Suuradda 43aad: Az-Zukhruf [Quruxda Dahabka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Xaa Miim [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah oo kaliya baa ogsoon muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Waa igu Kitaabka [Qur’aanka] ee cad.
  3. Waxaan Annagu ka dhignay Qur’aan Carabi ah, si aad u fahantaan [macnihiisa iyo waanooyinkiisa].
  4. Wuxuuna ku yaal hooyada Kitaabka [Lawxa Maxfuudka] hortayada ah, isagoo la kor yeelay, ay ka buuxdo xikmad.
  5. Ee miyaan [iska daynaa inaad idiin digno oo] ka qaadnaa waaniyaha [Qur’aankan] xaggiinna, inaad tihiin awgeed qawm xad gudub badan.
  6. Oo intee baa nabi u dirnay dadkii hore dhexdood.
  7. Oo ma jirin nabi u yimaada oo aysan ku jeesjeesi jirin.
  8. Waxaana halaagnay kuwo ka xoog badan [awood ahaan oo ka qabasho daran] kuwakani, oo mataalka kuwii hore waa hormaray [iyaga hortood].
  9. Haddiina aad waydiiso [gaalada], “Yaa abuuray cirarka iyo dhulka?” waxay hubaashii oran doonaan, “Awood badanaha, cilmiga badan.”
  10. Kan idiin ka dhigay dhulka gogol, oo idiin ku yeelay dhexdiisa waddooyin, si aad ugu toostaan.
  11. Oo kasoo dajiyay biyo [roob] cirka si qaddaran, markaas baan ku noolaynaa roobkaa dhul dhintay, sidaas oo kale baana la idiin soo bixin doonaa.
  12. Ee ah kan abuuray dhammaan noocyada oo idiin yeelay doomo iyo xoolo aad fuushan.
  13. Si aad u fuushaan duudadkooda, oo markaas xustaan nicmadda Rabbigiin marka aad fuushaan korkeeda, oo tiraahdaan, “Waxaa xumaan ka nazahan Kan noo sakhiray waxakan, oo marnaba ma nihin kuwo kara inaan ku yeelanno waxakan oo kale [dadaalkayaga].”
  14. Oo innagu xagga Rabbigayo baan u laabanaynaa.
  15. Oo waxay uga yeeleen Allaah qaar kamid ah addoomihiisa saami [iyagoo ku sheegaya inuu Isagu dhalay, iyagoo ka dhigaya kuwo la siman oo la wadaaga cibaadada]. Xaqiiqdii Aadamuhu [kan gaalka ahi] waa jazzaar iska cad oo abaal dhac badan.
  16. Mise wuxuu ka yeeshay [ka doortay] gabdho wixii uu abuuray, oo idiin dooray idinka wiilasha?
  17. Oo haddii midkood loogu bishaareeyo warka ah [in loo dhalay] waxaa uu uga yeelay Raxmaanka [Allaah] mataal [loogu bishaareeyo in loo dhalay gabar] wuxuu noqdaa wajigiisu madow isagoo walbahaarsan.
  18. [Haddaba ma waxay udooreen Allaah] abuur lagu barbaariyo jeclaanta isqurxinta [waa dumarka’e] xagga dooddana aan caddayn karin hadalka?
  19. Oo waxay ka yeeleen malaa’igta oo iyagu ah addoomaha Raxmaanka [Allaah], dheddig, ma waxay joogeen abuuristoodii? Waa la qori doonaa maraggooda oo waa la warsan.
  20. Oo waxay yiraahdeen, “Haddii uu doono Raxmaanku [Allaah], ma aannu caabudneen [wax kale].” Uma ay laha wax cilmi ah taas, oo ma aha waxaan ahayn kuwo wax ku dhiso been iyo mala awaal.
  21. Mise waxaan siinnay kitaab ka horreeyay kan [Qur’aanka], oo ay iyagu haystaan?
  22. Mayee! Waxay yiraahdeen, “Waxaan hellay aabbayaashayo oo raacaya dariiqo, innaguna iyaga raadkoodii baan ku hanuunsannahay.”
  23. Oo sidaas oo kale, ma jiro oo uma aynu dirin dige [rasuul] hortaa [Muxammadow] magaalana [dadwayne] oo aysan ladanayaasheedii oran, “Waxaan hellay aabbayaashayo oo raacaya dariiqo, oo waxaan innagu raacaynaa raadadkooda.”
  24. [Digihii] wuxuu yiri, “Ma xitaa haddii aan idiin keeno wax ka hanuun badan wixii aad hesheen aabbayaashiin oo raacaya?” Waxay yiraahdeen, “Innagu waxa la idin lasoo diray waannu ku gaalownay.”
  25. Markaas baan ka aarsannay ee bal fiiri sida ay ahayd ciribtii kuwii [xaqa] beeniyay.
  26. Oo [xus] markii uu Ibraahiim ku yiri aabbihi iyo qawmkiisii, “Waxaan anigu barii ka ahay waxa aad caabudaysaan.”
  27. “Waxaanse [caabudayaa] Kan i abuuray, Isaga baana ihanuunin doona.”
  28. Oo wuxuu ka yeelay Kalmad [waa Tawxiidka] ku baaqi ah durriyaddiisa dhexdooda, bal inay soo noqdaan [u tawbad keenaan Allaah oo waxidaan].
  29. Mayee, waxaan u raaxeeyay kuwaa [mushrikiinta] iyo aabbayaashoodba ilaa uu uyimid xaq [Qur’aanka] iyo rasuul [Muxammad] cad.
  30. Oo markii uu uyimid xaqii [Qur’aankan], waxay [kuwii gaaloobay] yiraahdeen, “Waxakani waa sixir, waana ku gaalownay.”
  31. Oo waxay yiraahdeen, “Maxaa Qur’aankaan loogu soo dajin waayay nin wayn oo ka tirsan labada magaalo [Makka iyo Daa’if]?”
  32. Ma iyaga baa ah kuwa qaybiya naxariista Rabbigaa? Waa Annaga kuwa uqaybiya dhexdooda maciishaddooda nolosha adduunka, oo ka kormarinnay qaarkood qaar kale darajooyin, si ay qaarkood uga shaqo siiyaan qaar kale hawshooda. Naxariista [Jannada] Rabbigaa [Muxammadow] baase ka khayr badan [maalka adduunkan] ay isu keenaan.
  33. Oo haddii uusan dadku noqonayn ummad kaliya [ayan wada fitnoobayn oo gaalnimada qaadanayn] waxaan siin lahayn kii kastoo ku gaalooba Raxmaanka [Allaah] saqafyo qalin ah ay leeyihiin guryahooda, iyo wiishash [iyo jaran jarooyin iyo wixi lamida qalin ah] ay wax ku fuulaan.
  34. Oo waxaan guryahooda u yeeli lahayn albaabbo [qalin fiddo ah] iyo sariiro korreeya [oo qalin ah] oo ay korkooda ku dangiigsadaan.
  35. Iyo dahab, waxaas oo dhammina ma aha waxaan ahayn raaxada noloshan adduunka, Aakhiradase Rabbigaa agti ah waxaa leh oo kaliya kuwa ka dhawrsada xumaha.
  36. Oo kii ka jeesada [ka cameeya naftiisa] waanada Raxmaanka [Qur’aankan] waxaynu uyeelnaa oo la xiriirinnaa Shaydaan u noqda qariin [rafiiq].
  37. Oo waxay [shaydaannadu] ka duwaan jidka [Allaah], waxayse moodayaan inay hanuunsan yihiin.
  38. Marka uu noo yimaado, wuxuu ku yiraahdaa [shaydaankii rafiiqiisa ahaa], “Waye haddii dhexdeenna aniga iyo adiga ay ahaan lahayd fogaanta masaafada labada mashriqood [ama bariga iyo galbeedka], u xumidaa wax laga dhigto saaxiib!”
  39. Oo waxba idin ma tarayso Maanta [kuwiinakan ka jeesadow xusidda Allaah] maadaama aad fasheen dulmi [shirki iyo macaasi], inaad cadaab wadaagtaan [ku kulantaan].
  40. Ee ma waxaad ka yeeli kartaa [Muxammadow] dhagoolaha inuu wax maqlo, mase tilmaami kartaa indhoolaha ama kan ku sugan baadi cad?
  41. Haddii aan kula tagno [ku oofsanno Muxammadow] waxaa xaqiiq ah inaynu Annagu ka aarsan doonno [gaalada].
  42. Ama [haddii] aan ku tusinno waxa aan uyaboohnay oo cadaab ah, waxaan xaqiiqdii ku dul leennahay awood.
  43. Ee qabso [Muxammadow] waxaa laguu waxyooday [Qur’aanka iyo sunnada], waxaad adigu ku sugan tahay jid toosan.
  44. Oo kani [Qur’aanku] waa kuu waano [iyo sharaf] adiga [Muxammadow] iyo qawmkaagaba [Quraysh ama wixii ku raaca], waana la idin warsan doonaa.
  45. Oo waydii [Muxammadow] kuwaa aan soo dirnay hortaa ee kamid ah rususheenna, “Ma waxaan marnaba yeellay Raxmaanka [Allaah] ka sokow ilaahyo la caabudo?”
  46. Oo waxaan dhabtii ulasoo dirnay Muusaa aayadahayaga xagga Fircawn iyo duqaydiisii oo wuxuu yiri, “Waxaan anigu ahay rasuul uu soo diray Rabbiga uumanka.”
  47. Markiise uu ula yimid aayadahayaga [xujooyin cadcad, calaamooyin, waxyi] mise waa ku qosleen.
  48. Oo ma jirin aayad [calaamo] aan tusinnay oo aan ka waynayn walaasheed, oo waxaan ku qabannay cadaab bal inay ugasoo noqdaan [shirkiga iyo macaasida xagga Diinta Ilaahay ee Islaamka].
  49. Oo waxay ku yiraahdeen [Muusaa], “Kaagan saaxirka [caalimka] ahow! Noo bari Rabbigaa wixii uu kuugula ballantamay, innagu waa hanuunaynaaye.”
  50. Markiise aan ka faydnay xaggooda cadaabkii, mise waxay jabiyeen cahdigoodii [ahaa inay rumayn doonaan haddii aan ka qaadno cadaabta oo ku dari doonaan ilmihii Israa’iil].
  51. Oo wuxuu ka dhex dhawaaqay Fircoon qawmkiisii isagoo leh, “Qawmkayow! Ma waanan anigu iska lahayn mulkiga Masar, iyo wabiyadan qulqulaya hoostayda? Ee miyaydaan wax arkayn?”
  52. “Sow anigu kama fiicni midkani [Muusaa] ee ah mid liita ee aan hadalka caddayn karin?”
  53. “Maxaa loogu deeqi waayay korkiisa jinjimo dahab ah, ama maxay ula iman wayday malaa’ig is raacsan?”
  54. Wuxuu [Fircoon] fududaystay qawmkiisii, wayna adeeceen, xaqiiqdii waxay ahaayeen qawm faasiqiin ah.
  55. Markii ay naga caraysiiyeen waan ka aarsannay, oo hafinnay iyagii oo dhan.
  56. Waxaanuna ka yeelnay wax tagay iyo tusaale [ay ku waano qaataan] facyada dambe.
  57. Oo markii loo soo qaatay ina Maryam mataal [waa in Ciisaa la caabudo sida sanamyadooda] mise qawmkaagu waa ka jeesadaan [oo ku qoslaan mataalka].
  58. Oo waxay yiraahdeen, “Ma ilaahyadayada baa fiican mise isaga [Ciisaa]?” Uma ayan soo qaadan mataalka waxaan ahayn muran, bal waa qawm dood badan.
  59. Ma uu ahayn [Ciisaa] wax ka badan addoon [Ilaahay] aan u nicmaynnay [ku galladaysannay nabinnimo], oo waxaan uga yeelnay tusaale ilmihii Israa’iil [abuuristiisii aabbe la’aan].
  60. Oo haddii aan doonno [waan idin halaagi lahayn dadow dhammaan oo] yeeli lahayn malaa’ig baddalkiinna dhulka u hara.
  61. Wuxuuna [Ciisaa ina Maryam] u yahay calaamad la yaqaan [soo dhawaanshaha] Saacadda [Qiyaame, waa usoo dagitaanka Ciisaa dhulka]. Sidaa awgeed haka shakiyina arrinkeeda [waa Maalinta Qiyaame] oo isoo raaca Aniga [Allaah], kan baa ah jidka toosan.
  62. Oo yuusan Shaydaan idin ka hor istaagin [jidka toosan], xaqiiqdii wuxuu idiin yahay cadaw iska cad.
  63. Oo markii uu Ciisaa la yimid xujooyinka, wuxuu yiri, “Waxaan idiin la imid xikmad [nabinnimo] iyo inaan idiin caddeeyo qaar kamid ah waxa aad isku khilaafsan tihiin, ee ka cabsada Allaah oo i adeeca.”
  64. “Xaqiiqdii, Allaah waa Rabbigay iyo Rabbigiinba, ee caabuda Isaga [kaliya] kan baa ah jidka toosan.”
  65. Wayse is khilaafeen xizbiyadii dhexdooda, ee hoog waxaa leh kuwa fala dulmiga [iyagoo ku sheegaya waxyaalo aan munaasib ahayn Ciisaa] hoog kaga iman cadaabta Maalin xanuun badan.
  66. Ma waxay sugayaan [gaaladu] waxaan ahayn Saacadda taasoo ugu iman doonta kado, iyagoo aan dareensanayn.
  67. Saaxiibbadu Maalintaas [Qiyaamaha] waxay isu ahaan doonaan cadaw qaarkoodba qaarka kale marka laga reebo kuwa xumaha ka dhawrsada.
  68. [Waxaa lagu oran doonaa mu’miniinta runta ah ee muwaxidiinta ah] “Addooma- haygiiyow cabsi ma ahaan doonto maanta korkiinna oo ma murugoon doontaan.”
  69. “[Idinka] kuwa rumeeyay aayadahayaga ee ahaa Muslimiin.”
  70. “Gala Jannada, idinka iyo afooyinkiinnaba, idinkoo faraxsan.”
  71. Waxaa lagula wareegi doonaa xeerooyin dahab ah iyo koobab, waxayna ka helayaan [Jannada dhexdeeda] waxay naftu doonto, indhuhuna ku raaxaystaan, idinkoo dhexdeeda ku waaraya.”
  72. “Tanu waa Jannadii aad ku dhaxasheen wixii aad camal san fali jirteen.”
  73. “Waxaad ku leedihiin dhexdeeda faakihooyin tiro badan, oo xaggeeda baad wax ka cuni doontaan.”
  74. Xaqiiqdii mujrimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha] waxay gali doonaan Naarta Jahannama iyagoo ku waaraya.
  75. [Cadaabta] lagama dabcin doono, iyagoo ku qoos qaadan.
  76. Oo ma aannu dulmiyin iyaga, laakiinse iyaga baa ahaa daalimiin.
  77. Oo waxay u dhawaaqayaan, “Maalikow [waa malagga Naarta] Rabbigaa hana dilo.” Wuxuu oran doonaa, “Waad ku waaraysaan [Naarta] waligiin.”
  78. Waxaan dhabtii idiin la nimid xaq [Muxammad iyo Qur’aanka uu la yimid] laakiinse badankiinnu xaqa baad nacdaan.
  79. Mise wax bay goosteen arrin uun ah? Annaguba sidoo kale wax baynu qorshaysannay.
  80. Mise waxay moodeen inaanaan maqlayn sirahooda iyo faqooda gaarka ah? Mayee rusushayada [malaa’igta u xilsaaran Aadamaha] waa agtooda, si ay u qoraan.
  81. Dheh [Muxammadow], “Haddii Raxmaanka [Allaah] uu leeyahay ilmo [sida aad leedihiin] waxaan anigu ahay kan u horreeya ee waxida Allaah [oo ka marag kaca inuusan lahayn carruur].”
  82. Waa ka nazahan yahay Rabbiga cirarka iyo dhulka, Rabbiga Carshiga waxa ay ku tilmaamaan.
  83. Ee isaga tag ha dhunbadeene [baadilkaas] hana iska cayaareen inta ay kala kulmayaan Maalintooda loo yaboohay.
  84. Waana [Allaah] Kan ah Ilaaha kaliya [ay tahay in laga caabudo] cirka iyo Ilaaha kaliya [ay tahay in laga caabudo] dhulka korkiisa, oo waa xikmad badanaha, cilmiga badan.
  85. Waxaana kor ah oo khayr iyo barako badnaaday Kan [Allaah] leh xukunka cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya, oo ah Kan ay agti tahay cilmiga Saacadda, oo ah Kan xaggiisa la idiin celin doono.
  86. Oo ma hantaan kuwa ay baryaan Allaah sokadi wax shafeeco ah [garab siin], waxay u shafeeci karaan oo kaliya [markii uu Allaah u idmo kaddib kuwa qira xaqa [ashahaadada] oo iyagu yaqaan [ujeeddada ashahaadada, iyo waxyaalaha la xiriira ee ku saabsan iyo shuruudaheedaba iyo waxa buriya].
  87. Oo haddii aad waydiiso [gaalada] yaa abuuray iyaga, waxay hubaashii oran doonaan, “Allaah,” ee xaggee baa loo iilayaa?
  88. Nabiguna [Muxammad] wuxuu yiri oo ku qawlay, “Rabbiyow! Kuwaanu waa qawm aan [xaqa] rumaynayn.”
  89. Ee iska saamax [Muxammadow] oo dheh, “Salaam [nabadgalyo],” waase ogaan doonaan [waxa ku dhaca].

Suuradda 44aad: Ad-Dukhaan [Qiiqa]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Xaa Mim [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah oo kaliya baa ogsoon muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Waa igu kitaabka [Qur’aanka] ee iska cad.
  3. Waxaannu Annagu soo dajinnay [Qur’aankan] habeen barakaysan [Laylatul Qaddar ee ku jirta bisha Ramadaan] waxaannu nahay kuwa diga [u diga Aadamaha in cadaabtayadu ay ku dhici doonto mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha, iyo wixi lamida].
  4. Habeenkaa [Laylatul Qadar] dhexdiisa baa la gooyaa arrin kasta oo xukun ah.
  5. Amar [xukun] ka yimid xaggayaga, waxaan Annagu nahay kuwa soo dira [rusul].
  6. Waa naxariis xagga Rabbigaa ah, Xaqiiqdii [Allaah] waa maqal badanaha, cilmiga badan.
  7. Rabbiga cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya, haddi aad yaqiinsanaysaan.
  8. Ma jiro ilaah xaq ah aan ahayn Isaga, waa Isaga kan bixiya nolosha, oo sababa dhimashada, waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.
  9. Mayee waxay ku sugan yihiin shaki, iyagoo iska cayaaraya.
  10. Ee sug Maalinta ay samadu keeni doonto qiiq muuqda.
  11. Daboolaya dadka, tani waa cadaab xanuun badan.
  12. [Waxay oran doonaan] “Rabbiyow naga fayd cadaabta, waxaan nahay mu’miniine.”
  13. Oo maxay ugu taal waantoobid [waqtiga ay cadaabtu soo gaarto] isagoo uu horay ugu yimid rasuul iska cad.
  14. Markaas bay ka jeesadeen [Nabi Muxammad] oo yiraahdeen, “Waxaa [Muxammad] wax laga baraa [xagga Aadame], waa nin waalan.”
  15. Waxaynu Annagu idin ka faydi doonnaa cadaabka wax yar, waxaad ku noqonaysaan [xumaanta].
  16. Maalinta aan idin ku qaban doonno qabasho daran oo wayn [Qiyaamada ama Badar], waxaan Annagu nahay kuwa aarsada.
  17. Oo waxaan dhabtii imtixaannay iyaga hortood qawmkii Fircawn, waxaana u yimid rasuul sharaf leh [Muusaa].
  18. Isagoo leh, “Igu sima adoommaha Ilaahay [waa ilmihii Israa’iil], waxaan anigu idiin ahay rasuul aamin ah.”
  19. “Oo ha iska sare yeelina Allaah, waxaan idiin la imid xujo cad.”
  20. “Waxaan ka magan galay Rabbigay iyo Rabbigiin, inaad idhagaxyaysaan.”
  21. “Ee hadddii aydaan irumayn, idaaya oo waxba ha igu darsannina.”
  22. [Waxayse ahaayeen horor] markaa buu [Muusaa] u dhawaaqday Rabbigi [isagoo leh], “Kuwakanu waa qawm ah mujrimiin [gaalo, mushrikiin, cusaat].”
  23. [Allaah wuxuu yiri], “Guuree iyagoo ay ku wehliyaan addoomahayga habeennimo, hubaashii waa la idiin soo daba galayaa.”
  24. “Oo dhaaf badda [iyadoo daggan oo qaybsan], iyagu waa ciidan la hafinayo.”
  25. Intee bay [qawmkii Fircawn] ka tageen beero iyo ilo!
  26. Iyo zaracyo iyo meel wanaagsan!
  27. Iyo nicmooyin ay ku raaxaysanayeen!
  28. Waa sidaas! Oo waxaan dhaxalsiinnay qawm kale [ilmihii Israa’iil].
  29. Oo uma ooyin cirarka iyo dhulka, oo lamana siin wax kansho ah.
  30. Oo waxaannu dhabtii ka badbaadinnay ilmihii Israa’iil cadaab daran oo dulleeya.
  31. [Waxaan ka badbaadinnay] Fircawn, wuxuu ahaa islawayne, ka mid ahaa musrifiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha, xad gudbayaasha iyo wixi lamida].
  32. Oo waxaan dhabtii ka doorannay [ilmihii Israa’iil] ogaal uumanka dhexdooda [dadkii waqtigoodii].
  33. Oo waxaan siinnay calaamooyin ay ku sugnayd imtixaan cad.
  34. Xaqiiqdii kuwakani [Quraysh] waxay dhabtii yiraahdaan.
  35. “Ma jiro waxaa ahayn dhimashadayada koowaad, oo ma nihin kuwo lasoo bixinayo.”
  36. “Ee keena aabbayaashayadii hore, haddii aad run sheegaysaan.”
  37. Ma iyagaa khayr badan mise qawmkii Tubbac iyo kuwii ka horreeyay? Waa aan halaagnay, waxay ahaayeen mujrimiin [gaalo, mushrikiin, danbiilayaal].
  38. Oo uma aannu abuurin cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya dheel.
  39. Uma aannu abuurin waxaan ahayn xaq, laakiinse badankoodu ma oga.
  40. Xaqiiqdii Maalinta kala saariddu [marka Allaah uu ukala garsoori doono uumanka dhexdooda] waa ballan loo qabtay iyagoo dhan.
  41. Maalinta uusan xigaalo dhow waxba u tari karin mawlan [xigaalo dhow] oo ayan isu gargaari karin.
  42. Mid isagu Allaah u naxariistay ma ahee, xaqiiqdii [Allaah] waa awood badanaha, naxariista badan.
  43. Xaqiiqdii geedka Zaquumka.
  44. Waa cuntada danbiilayaasha.
  45. Sida saliid karkaraysa, buu ugu karkari doonaa caloolahooda.
  46. Sida karkarka biyaha kulul ah.
  47. [Waxaa la oran doonaa], “Qabta gaalka oo ujiida xagga Jaxiimo bartankeeda.”
  48. “Oo uga shuba madaxa korkiisa cadaabta biyaha kulka badan.”
  49. “Dhadhami [cadaabka]! Xaqiiqdii [waxaad ahayd adigu [waagii adduunka] awood badnaha, sharafta badan!”
  50. “Xaqiiqdii waxakanu waa wixii aad ka shakiyi jirteen!”
  51. Xaqiiqdii kuwa ka dhawrsada xumaha waxay dhex ahaan meel aamin ah.
  52. Beero dhexdood iyo ilo.
  53. Waxay xiranayaan xariir jilicsan iyo mid adag, iyagoo is qaabilaya.
  54. Waa sidaas, oo waxaan u guurin doonnaa xuurul cayn.
  55. Waxay u yeeran doonaan dhexdeeda [Jannada] nooc kasta oo faakiho ah, iyagoo nabdoon oo aamin ah.
  56. Maku dhadhamin doonaan [Jannada] dhexdeeda dhimasho aan ahayn dhimashadii hore [ee adduunkan], oo wuxuu ka badbaadin doonaa [Allaah] cadaabta Naarta huraysa.
  57. Waa fadli xagga Rabbigaa ah, taas waa liibaanta wayn.
  58. Waxaan xaqiiqdii ugu fududaynay [Qur’aanka] carrabkaaga, bal inay waansamaan.
  59. Ee sug [Muxammadow], iyaguna [sidoo kale] wax bay sugiye.

Suuradda 45aad: Al-Jaathiyah [Jilbo ku Socodka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Xaa Miim [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah kaliya baa ogsoon muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Soo dajinta Kitaabka [Qur’aanka] waa xagga Allaah, awood badanaha, xikmadda badan.
  3. Waxaa xaqiiqdii ugu sugan cirarka iyo dhulka calaamooyin mu’miniinta.
  4. Iyo abuuriddiinnaba iyo waxa uu ku firdhiyay [dhulka] oo nafley socota ah waxaa ugu sugan calaamooyin qawmkii wax yaqiinsanaya.
  5. Iyo isdhaafka habeenka iyo maalinta iyo rizqiga [roobka] uu Allaah kasoo dajiyo cirka, oo uu ku nooleeyo dhulka dhimashadiisa kaddib, iyo gadgaddoonka dabaylaha [waa mararka qaarkood ka yimaada xagga bariga ama waqooyiga, oo marmarka qaar ka yimaada xagga koonfurta ama galbeedka, oo mararka qaarkood sida bishaaro roob, oo mararka qaar xambaarsan cadaab] waxaa ugu sugan calaamooyin qawmkii garasho leh.
  6. Kuwakani waa aayadaha Allaah oo aan kuugu aqrinno [Muxammadow] si xaq ah, marka hadalkee bay Allaah iyo Aayadihiisa kaddib rumaynayaan?
  7. Hoog waxaa leh beenaale kasta oo danbi badan.
  8. Ee maqla aayadaha Allaah oo loo aqriyo, misna ka dhaga adayga isagoo is waynayn sida inuusan maqalba, ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
  9. Oo markii uu wax ka ogaado aayadahayaga [Qur’aankan] ka dhigta jees-jees, kuwaasu waxay leeyihiin cadaab dullaysa.
  10. Hortooda waxaa ah Naar, oo wax uma tari doonaan wixii ay kasbadeen iyo wixii ay uyeesheenba awliyo ahaan [ilaaliyayaal, gargaarayaal] Allaah sokadi, oo waxay leeyihiin cadaab wayn.
  11. [Qur’aan] kani waa hanuun, oo kuwa ku gaalooba aayadaha Rabbigood, waxay leeyihiin cadaab xille oo xanuun badan.
  12. Allaah waa Kan idiin sakhiray badda, si ay ugu socoto doonidu dhexdiisa amarkiisa, iyo si aad u doonataan deeqdiisa, iyo inaad mahdisaan.
  13. Oo wuxuu idiin sakhiray waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka, dhammaan waa gallad iyo naxariis xaggiisa ah, waxaa xaqiiqdii taasi ugu sugan calaamooyin qawmkii fakaraya.
  14. U sheeg [Muxammadow] mu’miniinta inay iska dhaafaan kuwa [dhiba iyaga oo] aan rajaynayn maalmaha Ilaahay [waa jazahiisa], si uu ugu jaazeeyo qawm wixii ay kasbadeen [waa si uu u ciqaabo mushrikiinta, gaalada iyo danbiilayaasha].
  15. Kii u dhaqma si wanaagsan, waxaa iska leh naftiisa oo dan u tahay, oo kii falaa xumaan waxay ka go’an tahay [naftiisa oo u daran tahay]., oo xagga Rabbigiin baa la idiin soo celin doonaa.
  16. Oo waxaynu dhabtii siinnay ilmihii Israa’iil kitaabka iyo xukunka, iyo nabinnimada, waxaana ku irzaaqnay waxyaalo wanaagsan, oo waxaan ka kor marinnay uumanka [dadkii waqtigoodii].
  17. Oo waxaan siinnay xujooyin cadcad oo arrimaha nolosha la xiriira [Annagoo ugu soo dajinnay waxyi ahaan Tawraadda], ismana khilaafin kaddib inta uu u yimid cilmiga maahee, xasad iyo dulmi dhexdooda ah awgi. Xaqiiqdii Rabbigaa waa ku kala xukumi doonaa dhexdooda Maalinta Qiyaamaha wixii ay isku khilaafsanaan jireen.
  18. Dabadeed waxaan kuu yeelnay adiga [Muxammadow] jid cad oo amar [keenna] ah [sida midkii aan amarnay rusushayadii hortaa adiga [waa jidadka sharciga ah iyo xeerarka Islaamka] ee raac adigu [Islaamka], oo ha raacin hawooyinka kuwa aan wax ogayn.
  19. Xaqiiqdii iyagu waxba kaagama tari karaan xagga Allaah [haddii uu doonayo inuu ku ciqaabo], xaqiiqna daalimiinta [mushrikiinta, gaalada, munaafiqiinta iyo wixi lamida] waa u saaxiibbo qaarkoodba qaarka kale, oo Allaah waa gacalka [gargaaraha] kuwa ka dhawrsada xumaha.
  20. [Qur’aan] kani waa u iftiin iyo caddayn dadka, iyo hanuun iyo naxariis qawmkii yaqiinsanaya.
  21. Mise waxay moodeen kuwa galabsada camallada xun inaan la mid dhigi doonno kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan, noloshoodatan haatan gudaheed iyo kaddib geeridooda? Xumaa xunkunka ay sameeyaan.
  22. Oo wuxuu Allaah u abuuray cirarka iyo dhulka xaq iyo si qof walba loogu abaal mariyo wixii uu kasbaday, oo lama dulmiyi doono.
  23. Ee ka warran midka ka yeeshay ilaahiisa hawadiisa, Allaahna ku yaqiin [xaaladdaas sidaas ah] uu kaga tagay lunsanaan oo daboolay maqalkiisa iyo qalbigiisa, oo yeelay araggiisa caad, yaa hanuuninaya Allaah kaddib? Ee mawaydaan waansamayn?
  24. Oo waxay yiraahdeen, “Ma jirto waxaan ahayn noloshayada adduunka, waan dhimanaynaa oo [qaarkayo] noolaan oo nama halaago waxaan ahayn dahri [wagtiga ama waayaha],” uma laha taasi wax cilmi ah, waxay uun wax ku dhisaan male.
  25. Oo marka loo aqriyo aayadahayaga cadcad, dooddoodu ma aha wax kale aan ahayn inay yiraahdaan, “Noo keena aabbayaashayo [maytan] haddii aad run sheegaysaan.”
  26. Dheh, “Allaah baa idin siiya nolol, oo sababa inaad dhimataan, oo wuxuu idiin soo kulmin doonaa Maalinta Qiyaamaha aan shakiga ku jirin, laakiinse dadka badankiisu ma oga.”
  27. Oo Allaah baa leh xukunka cirarka iyo dhulka, oo Maalinta ay Saacaddu istaagi doonto, Maalintaas bay khasaraayaan ehlu baadilku [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida].
  28. Oo waxaad arki doontaa ummad waliba iyadoo jilbo jibsan [lowyaha ku joogta], ummad kasta waxaa loogu yeeri doonaa kitaabkii [camalkeeda], Maalintaas waxaa la idin ku jaazayn doonaa wixii aad camal fali jirteen.
  29. Kanu waa Kitaabkayagii oo idiin kaga warramaya si xaq ah, waxaynu xaqiiqdii Annagu ahayn kuwo qora wixii aad fali jirteen [waa malaa’igtayada baa qori jirtay camalladiinna].
  30. Kuwa [xaqa] rumeeyay oo falay camallo wanaagsan, wuxuu galin doonaa Rabbigood naxariistiisa [Janno], taasina waa liibaanta wayn.
  31. Kuwase gaaloobay [waxaa lagu oran doonaa], “Sow ma ahayn aayadahayga kuwo la idiin aqriyo oo aad iska kibriseen oo waxaad ahaydeen qawm ah mujrimiin [mushrikiin, gaalo, danbiilayaal]?”
  32. Oo marka la yiraahdo, “Xaqiiqdii yabooha Ilaahay waa xaq, oo imaanshaha Saacadda [Qiyaamaha] shaki kuma jiro,” waxaad tiraahdaan, “Ma naqaan Saacaddu waxay tahay, oo ma qabno inay tahay waxaan ahayn iska malo awaal, oo ma nihin innagu kuwo yaqiinsan.”
  33. Oo waxaa u muuqan doonta xumaanta wixii ay faleen, oo waxaa ku dagi doonaa wixii [cadaabtii] ay ku jeesjeesi jireen.
  34. Oo waxaa la oran doonaa, “Maanta waan idin halmaami doonnaa sidii aad u halmaanteen lakulanka Maalintiinnaan [Maalinta Qiyaame], oo hoygiinnu waa Naarta, oo ma jirto cid idiin gargaaraysa.”
  35. Tani waxaa ugu wacan inaad ka dhigateen aayadihii Ilaahay [Qur’aankan] jeesjees, oo ay idin hodday noloshii adduunka, marka Maanta lagama saari doono halkaa [Naarta], oo lagama yeeli doono cudur daarasho iyo raalli galinba.
  36. Ee ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, Rabbiga cirarka iyo Rabbiga dhulka, Rabbiga uumanka.
  37. Oo waxaa u sugnaaday Isagoo [kaliya] waynida iyo haybadda cirarka iyo dhulka gudahooda, oo waa Isaga awood badanaha, xikmadda badan.

Suuradda 46aad: Al-Axqaaf [Buur-Ciideeddii Janjeertay]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Xaa Miim [xarfahani waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah oo kaliya baa ogsoon muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo].
  2. Soo dajinta Kitaabka [Qur’aankan] waa xagga Allaah, awood badanaha, xikmadda badan.
  3. Uma aannu abuurin cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn xaq iyo muddo magacaaban, kuwase gaalooba waa kasii jeesadaan waxaa looga digayo oo dan uma galaan.
  4. [Muxammadow] ku dheh [mushiikiintan], “Bal ka warrama waxa aad baryaysaan Allaah sokadi, i tusa waxay ka abuureen dhulka, ama saami ay ku leeyihiin [abuurista] cirarka. Ii keena kitaab [lasoo dajiyay kan horti] ama wax raad cilmi ah [oo caddayn u ah waxa aad ku andacoonaysaan] haddii aad run sheegaysaan.”
  5. Oo yaa ka dhunsanaan badan kan barya Allaah sokadi, mid aan wax jawaab ah usoo celin doonin ilaa maalinta Qiyaamaha oo kuwa ah baryadooda moog oo ka war la’?
  6. Oo marka dadka la isu keeno [maalinta Qiyaamaha] oo lasoo kulmiyo waxay u noqon doonaan kuwii baryi jiray cadaw, oo caabudiddoodii ku dafiri doonaan.
  7. Oo marka loo akhriyo aayadahayaga cadcad, waxay yiraahdaan kuwa gaalada ah markii uu u yimid xaqa, “Kani waa sixir iska cad.”
  8. Mise waxay leeyihiin, “Waa been abuurtay.” Dheh, “Haddii aan been abuurtay, iigama taraysaan waxba xagga Allaah, isaga baana dhab u ogsoon waxa aad tiraahdaan dhexdiinna idinka ee ku saabsan [Qur’aankan], ku filan [Allaah] marag noo dhexeeya aniga iyo idinka, oo waa isaga danbi dhaaf badanaha, naxariista badan.
  9. Dheh [Muxammadow], “Ma ahi mid cusub rususha dhexdooda [macnaha waa ma ahi rasuulkii u horreeyay ee lasoo diro] oo ma ogi waxa lagu falayo aniga iyo idinkaba. Waxaan oo kaliya raacaa waxaa la ii waxyoodo, oo ma ahi waxaan ahayn dige cad.”
  10. Dheh, “Bal ka warrama haddii [Qur’aan] kani uu ka yimid xagga Allaah, oo ku gaalowdaan, oo uu ka marag furo marag fure ilmihii Israa’iil ah [Cabdullaahi bin Salaam] in Qur’aankani ka yimid xagga Allaah sida [Tawraadda] oo kale sidaa awgeed uu rumeeyay [qaatay Islaamkii oo soo galay] halka aad idinkuna iska waynayseen [inaad rumaysaan].” Xaqiiqdii Allaah ma hanuuniyo qoomka ah daalimiinta.
  11. Oo waxay ku yiraahdeen kuwa gaaloobay [kuwooda maal-qabeenka ah ee xoogga leh] kuwa [xaqa] rumeeyay [kuwooda ah danyarta iyo ducafada], “Haddii [diinta uu Muxammad ugu yeerayo dadka] ay ahaan lahayd wax wanaagsan oo khayr ah iyagu [dan yarta ducafada ah] noogama horreeyeen.” Oo haddii ay ku hanuuni waayaan [Qur’aankan] waxay oran doonaan, “Waxakanu waa been abuur gaboobay.”
  12. Oo horti waxaa ahaa Kitaabkii Muusaa hanuun iyo naxariis ahaan, oo kani [Qur’aanka] waa kitaab rumaynaya oo af Carabi ah si aad ugu digto kuwaa fala dulmiga [shirkiga iyo macaasida], oo ugu bishaarayso sama falayaasha.
  13. Xaqiiqdii, kuwaa yiraahda, “Rabbigayo waa Allaah,” oo toosnaada, ma ahaan doonto korkooda cabsi, mana murugoon doonaan.
  14. Kuwaas waa ehlu Jannaha iyagoo ku waaraya dhexdeeda [weligood], waa abaalka wixii ay camal san fali jireen.
  15. Oo waxaan ku waajibinnay Aadamaha inuu baarri u ahaado oo wanaajiyo waalidkiis. Hooyadiis waxay ku sidday uurka iyadoo ku dhibtootay oo dhashay iyadoo ku dhibtoota; oo [uur ku] sididdiisa iyo ka goyntiisa [naaska] waa soddon bilood, jeer markii uu tabar galo oo afartan jirsado yiraahdo [kan wanaagsani], “Rabbiyow i solansii inaan ku shukriya nicmaddaada aad iigu nicmaysay aniga iyo labadayda waalid, iyo inaan falo camallo wanaagsan, oo aad raalli ka tahay, oo ii hagaaji carruurtayda, waxaan anigu kuula soo jeesaday toobad xaggaaga, oo waxaan anigu ka mid ahay Muslimiinta.”
  16. Kuwaasu waa kuwa aan ka aqbalayno camalladooda fiican oo aan iska dhaafayno [cafinayno] camalladooda xun. [Waxay ka mid ahaan doonaan] ehlu Jannaha, yabooh run ah oo loo yaboohi jiray.
  17. Kanse ku yiraahda waalidkiis, “Uf baad leedihiin. Ma waxaad ii yaboohaysaan in la isoo saari doono] iyadoo dhabtii ay tageen qaaruumo hortay?” Halka labadiisa waalid ay Allaah uga baryayaan [hanuun iyagoo ku leh], “Magacaa bi’i waaye! Rumee! Xaqiiqdii, yabooha Ilaahay waa xaqe,” wuxuuse yiraahdaa, “Waxakanu ma aha waxaan ahayn sheekooyinkii kuwii hore.”
  18. Kuwaasu waa kuwa uu kula waajibay qawlka [cadaabka] ummado hortood tagay oo jin iyo insiba leh. Xaqiiqdii, waa kuwo khasaaray.
  19. Oo cid walbaa waxay leeyihiin darajooyin waafaqsan wixii ay faleen, si isagu [Allaah] uu ugu oofiyo si dhan camalladooda iyagoo aan la dulminayn.
  20. Oo [xus] maalinta loo soo bandhigi doono kuwa gaaloobay Naarta, [waxaa la oran doonaa], “Waxaad wanaaggiinnii kusoo dhammaysateen noloshii adduunka dhexdeeda oo ku raaxaysateen, maanta waxaa la idinku jaazayn doonaa cadaab silic badan, wixii aad isku waynayn jirteen dhulka gudahiisa xaq darro, iyo wixii aad Allaah ku caasin jirteen.”
  21. Oo xus [Huud] Caad walaalkood, markii uu ugu digay qoomkiisa Axqaaf [buur ciideeddii janjeertay ee ku tiil dhinaca koonfur ee Jaziiradda Carabta] oo hubaashii, waxaa tagay digayaal hortiis isaga iyo gadaashiiba [isagoo leh], “Ha caabudina cidna Allaah maahee, waxaan anigu idiin ka cabsanayaa cadaab maalin wayn.”
  22. Waxay yiraahdeen, “Ma waxaad noogu timid inaad naga jeediso ilaahyadayada? Ee noo keen waxa aad noogu gooddinayso, haddii aad run sheegayso.”
  23. Wuxuu yiri, “Allaah baa ku cilmi leh [waqtiga imaanshaheeda], oo waxaan idin soo gaarsiinayaa waxa la ilasoo diray [Islaamka], laakiinse waxaan arkaa inaad tihiin qoom ku jira jaahilnimo.”
  24. Markii ay arkeen isagoo sidii guulaamo ah kusoo aaddan togaggooda, waxay yiraahdeen, “Waxakanu waa guulaamo noo keenaysa roob.” Ma jirto ee waa wixii [cadaabkii] aad waydiisanayseen in la idiin soo dadajiyo, waa dabayl ay ku jirto cadaab xanuun badan.
  25. Oo ku baabbi’inaysa wax walba amarka Rabbigeed. Markaas bay waxay noqdeen kuwo aan la arkayn guryahoodii ma’ahee. Sidaas oo kale baan ku jaazaynaa qoomka ah danbiilayaasha.
  26. Oo waxaan dhabtii u suurta galinnay oo siinnay wax aannaan idiin suurta galin, waxaana u yeellay maqal [dhego] iyo arag [indho] iyo garasho [laabo], waxbase uma tarin maqalkoodii [dhegahoodii] iyo aragyadoodii [indhahoodii] iyo laabahoodii waayo waxay diidi jireen aayadaha Ilaahay, waxaana ku dagay wixii [cadaabkii] ay ku jeesjeesi jireen.
  27. Oo waxaan dhabtii halaagnay wixii hareerihiinna ahaa oo magaalooyin ah, oo caddaynay aayadaha [xujooyinka, calaamooyinka, waxyiga iyo wixi lamida] bal inay [xaqa] usoo noqdaan.
  28. Ee maxay ugu gargaari waayeen kuwii ay ka dhigteen Allaah sokadi ilaahyo ay ugu dhowaadaan Allaah? Mayee waa ka dhumeen [markii uu u yimid cadaabkii] oo waxaasu waa danbigoodii iyo wixii ay been abuuran jireen [ka hor baabbi’intoodii].
  29. Oo [xus] markii aan usoo dirnay xaggaaga [Muxammadow] koox jin ah oo u dhagaysanaya Qur’aanka si dhug leh, markii ay yimaadeen [meeshii aad ku akhrinaysay] waxay yiraahdeen, “Ku dhagaysta aamusnaan,” oo markii la dhammeeyay waxay u noqdeen qoomkoodii iyagoo u digaya.
  30. Waxay yiraahdeen, “Qoomkannow! Waxaan maqallay kitaab [Qur’aan] lasoo dajiyay Muusaa kaddib, oo rumaynaya wixii [kutubtii] ka horreeyay, wuxuu wax ku hanuuniyaa xaqa iyo jid toosan.”
  31. “Qoomkannow! Ajiiba [raaca] u yeeraha xagga Allaah [waa rasuulka Ilaahay Muxammad] oo rumeeya [waxa uu idiinkaga keenay xagga Allaah, oo raaca], wuxuu [Allaah] idiin dhaafi doonaa danbiyadiinna, oo idin ka badbaadin doonaa cadaab xanuun badan.”
  32. “Oo kii aan ajiibin [raacin] kan xagga Allaah wax ugu yeera, kuma fakan karo dhulka [si uu ciqaabka Allaah uga badbaado], oo ma leh [Allaah] sokadi awliyo [ilaaliyayaal ka ilaaliya cadaabka Allaah]. Kuwaasu waxay ku sugan yihiin baadi cad.”
  33. Ma waysan ogayn in Allaah ee abuuray cirarka iyo dhulka, oo aan ku daalin abuuristooda uu awoodo inuu nooleeyo maytida? Haahoo, xaqiiqdii [Allaah] waa mid wax walba kara.
  34. Oo maalinta loosoo bandhigi doono kuwii gaaloobay Naarta [waxaa lagu oran doonaa], “Waxakani sow ma aha xaq?” Waxay oran doonaan, “Haah, waa nagu Rabbigeene.” Wuxuu oran doonaa, “Dhadhamiya cadaabka, waa wixii aad xaq diiddo fali jirteene.”
  35. Ee sabar [Muxammadow] sidii ay u sabreen go’aan adkayaashii kamid ahaa rususha, oo ha dhararsan [gaalada] caddibaaddooda. Maalinta ay arki doonaan [cadaabka] loo yaboohay, [waxay ahaan doontaa] sida inaysan ku nagaan adduunka waxaan ka badnayn saacad maalin kamid ah. [Dadow! Quraankani ku filan] gaarsiin cad [oo waa ogaysiis inaad ka badbaadisaan nafahiinna baabba’a iyo balo wayn oo soo fool leh] mawaase la rogaa waxaan ahayn qoomka ah faasiqiinta.

Suuradda 47aad: Muxammad | Al-Qitaal [Nabi Muxammad | Dagaalka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Kuwaa ku gaalooba [Allaah iyo Nabi Muxammad] oo ka hor istaaga [dadka] jidka Allaah [Islaamka] wuxuu Allaah burin doonaa camalladooda.
  2. Kuwase [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan, oo rumeeya waxa [Qur’aanka iyo sunnada] lagu soo dajiyay Muxammad ee ah xaq ka yimid Rabbigood, waa ka tiritiri doonaa danbiyadooda, oo ka yeeli doonaa wax wanaagsan xaalkooda.
  3. Sidaas waxaa ku wacan kuwa gaalooba waxay raacaan baadil, halka kuwa [xaqa] rumeeyay ay raacaan xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaas buu Allaah ugu soo qaadaa dadka mataalladooda.
  4. Ee marka aad kula kulantaan [dagaal Allaah darti ah] kuwaa gaaloba ka garaaca luqumaha ilaa markii aad warjeeftaan oo aad laysaan, dhaawacdaanna in badan oo ka mid ah, markaa ku adkeeya xargaha [oo qabqabta oo u qaata qafaal ahaan]. Intaa kaddib [waa waqtigii] loo axsaan fali lahaa [yacni la iska sii dayn lahaa madax furasho la‘aan] ama madax furasho laga qaadan lahaa [hadba siday dani ugu jidho Islaamka oo garto madaxwaynuhu] jeer ay carcarta dagaalku dagto. Waa sidaase [wuxuu Allaah ku amray inaad ku waddo jihaadka gaalada intay ka islaamaan, macnaha tan iyo inta laga badbaadiyo cadaabta Naarta, ama ugu yaraan ay hoos yimaadaan awoodda Islaamka], haddiise ay ahaan lahayd doonista Allaah, isaga naf ahantiisa baa ciqaabi lahaa [idinka la’a antiin], laakiinse [wuxuu idiin ku diray dagaalka] si uu ugu imtixaano qaarba qaar kale. Kuwase lagu dilaa [jihaadka] jidka Ilaahay marnaba ma lumin doono camalladooda.
  5. Waa uu hanuunin doonaa oo hagaajin doonaa xaalkooda.
  6. Oo wuxuu galin doonaa Jannadii uu u caddeeyay [waxay u aqoonsan doonaan rugahooda Jannada si ka badan siday u yiqiinneen guryahoodii intay adduunka joogeen].
  7. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Haddii aad u gargaartaan [diinta] Allaah, [Allaah] waa idiin gargaarayaa oo idin sugayaa cagahiinna.
  8. Kuwase gaalooba, hoog iyo halaag baa u sugnaaday, oo wuxuu [Allaah] bi’in doonaa camalladooda.
  9. Waxaa sidaas ugu wacan waa inay [gaalada iyo munaafiqiintu] naceen waxa Allaah soo dajiyay [oo xaq ah], markaasuu buriyay camalladoodii.
  10. Ma waysan marin dhulka oo fiirin sida ay ahayd ciribtii kuwii ka horreeyay? Allaah baa u baabbi’iyay si dhan oo [aayaha sidaas] oo kale ah [baa sugaya] gaalada waa iyo meel ay joogaanba.
  11. Sidaas waxaa ku wacan Allaah waa Mawlaha [Rabbiga, gacalka ilaaliyaha, gargaaraha iyo wixi lamida] kuwa [xaqa] rumeeyay, oo gaaladu ma laha mawlaa [gargaare].
  12. Xaqiiqdii! Allaah wuxuu galin doonaa kuwa [xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan, beero ay hoos qulqulayaan wabiyo, kuwa gaaloobayna waxay u raaxaystaan oo wax u cunaan sida xoolahu wax u cunaan, oo Naartu waa hoygooda.
  13. Oo badanaa inta magaalo ka xoog badan magaaladaada [Makka] kusoo saartay oo aan halaagnay, oo aan helin wax usoo gargaara iyaga.
  14. Ma mid hanuun iyo jid cad oo xaq ah ka haysta Rabbigi, baa lamid ah kuwo loo qurxiyay camalladooda oo raaca hawadooda?
  15. Tilmaanta Jannada loo yaboohay kuwa ka dhawrsada xumaha waa taa gudaheeda ay yihiin wabiyaal biyo ah oo dhadhanka iyo urkoodu isbaddalayn, iyo wabiyaal caano ah oo uusan dhadhankoodu marnaba doorsoomin, wabiyaal khamro [xalaal ah] oo u macaan kuwa cabbaya, iyo wabiyaal malab ah la saafi yeelay, oo waxay [jannada] ku leeyihiin miro nooc kasta iyo danbi dhaaf xagga Rabbigood. [Kuwani] ma lamid baa kuwaa gali doona iyagoo ku waaraya Naarta, oo laga waraabin doono biyo kulul oo xiidmahooda gooya?
  16. Oo waxaa kamid ah iyaga [gaalada] kuwo ku dhagaysta [Muxammadow], [waa munaafiqiinta], markiise ay ka baxaan agtaada waxay ku yiraahdaan kuwaa la siiyay cilmiga, “Muxuu lahaa goor dhawayd?” Kuwaasi waa kuwa Allaah daboolay quluubtooda oo raaca hawooyinkoodaa.
  17. Kuwase aqbala hanuunka, wuxuu u kordhiyaa hanuun, oo uu ku galladaystaa korkooda suubbanaantooda.
  18. Ee ma waxay sugayaan [gaaladu] waxaan ahayn Saacadda [Qiyaamaha] inay ugu timaaddo kado? Waxaase yimidba qaar calaamooyinkeedii ah. Markiina ay u timaaddo, maxay u tari doontaa markaas waantoobiddoodu?
  19. Ee ogow [Muxammadow] in aannu jirin ilaah xaq ah aan ahayn Allaah, oo u waydiiso cafis danbigaaga iyo [danbiga] mu’miniinta iyo mu’minadaha, oo Allaah waa og yahay gadgaddoonkiinna iyo ku nagaadigiinba [guryihiinna gudahooda].
  20. Kuwa [xaqa] rumeeyay waxay yiraahdaan, “Maa lasoo dajiyo suurad [amraysa jihaadka]?” Markiise lasoo dajiyo suurad sugan oo lagu xuso dagaal galid [laysku amro ujihaadka Jidka Allaah], waxaad arkaysaa kuwa uu qalbigoodu yahay cudur [munaafiqnimo] oo kugusoo fiirinaya fiiro ruux sakaraatul mawtkii hayo oo kale. Waxaase u roonayd iyaga [munaafiqiinta] inay dhagaystaan Allaah oo ay adeecaan.
  21. Daacadnimo iyo horaarsan [baa u roonayd], oo marka arrinka [u diyaargarawga jihaadka] la go’aamiyo, markaa haddii ay u run sheegi lahaayeen Allaah baa u khayr roonaan lahayd.
  22. Ma waxaad haddaba, haddii la idiin dhiibo xukun oo madax noqotaan, ku fali lahaydeen fasahaad dhulka, oo aad goyn lahaydeen qaraabadiinna?
  23. Kuwaasi waa kuwa uu Allaah lacnaday, dhagaha iyo indhahana tiray.
  24. Mawaysan u fiirsanayn Qur’aanka mise qalbiyadoodaa qufulan?
  25. Xaqiiqdii, kuwa riddoobay [gaaloobay] kaddib inta xaqa iyo hanuunka u caddaaday, shaydaan baa u qurxiyay [camalkooda] oo ugu yaboohay.
  26. Tani waxaa ugu wacan waxay ku yiraahdeen kuwa nacay waxa Allaah soo dajiyay, “Waxaynu idinku adeecaynaa [waafaqaynaa] qaar kamid ah arrinka [la dagaallanka Islaamka],” oo Allaah waa og yahay sirahooda.
  27. Ee sidee [ahaan doonaa xaalkooda] marka ay malaa’igtu qaadayso nafahooda waqtiga geerida, iyagoo garaacaya wajiyadooda iyo dhabarradooda?
  28. Waxaa sidaas ugu wacan waxay raaceen waxa Allaah ka caroodo, oo naceen wixii raalli galinayay, markaasuu buriyay camalladoodii.
  29. Mise waxay moodeen kuwa qalbiyadoodu ay la bukaan cudur [munaafiqnimo] inuusan Allaah soo saarayn xumaanta [iyo xasadka] qalbiga kaga jira?
  30. Oo haddii aan doonno, waa ku tusi lahayn iyaga, waxaadna ku garanaysaa astaamahooda, oo waxaad kaloo ku garanaysaa hadalka leexsan, oo Allaah waa og yahay camalladiinna.
  31. Oo xaqiiqdii waannu idin imtixaani doonnaa jeer aan muujinno kuwa dhabta ugu jihaadaya [arrinka Allaah] iyo kuwa sabraya, oo waan eegi doonnaa ammahiinna [macnaha waa kan beenaalaha ah, iyo kan ka run sheega iimaankiisa].
  32. Xaqiiqdii, kuwa gaalooba ee ka hor istaaga [dadka] jidka Allaah [Islaamka] oo khilaafa rasuulka, kaddib markii uu u caddaaday hanuunka, kama dhimi doonaan Allaah waxba, waana burin doonaa camalladooda.
  33. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Adeeca Allaah oo adeeca rasuulka [Muxammad] oo ha burinnina camalladiinna.
  34. Xaqiiqdii, kuwa gaalooba ee ka hor istaaga [dadka] Jidka Allaah [Islaamka] kaddibna dhinta iyagoo gaalo ah, Allaah uma danbi dhaafo.
  35. Ee ha tabar darraanina mu’miniintoy, idinkoo dalbaya heshiis, waana idinka kuwa sarreeya, oo Allaah baa idin la jira, oo marnabana ma nusqaamin doono camalladiinna.
  36. Nolosha adduunkan wax kale ma’ahee waa cayaar iyo madaddaalo, haddiise aad [xaqa] rumaysaan, oo aad ka joogtaan xumaha, wuxuu idin siin doonaa abaalkiinna, oo idinma waydiisan doono maalkiinna.
  37. Haddii uu idin waydiisto [maalkiinna oo dhan] oo idinku celceliyo waa bakhayli lahaydeen [lexojecli darteed], oo wuxuu dibadda keeni lahaa xumahiinna qarsoon.
  38. Eega! Waa idinka kuwa loogu yeero inaad wax ku bixisaan arrinka Allaah, waxaase idin ku jira kuwo ku bakhaylaya, kiise ka bakhayla [wax ku bixinta arrinka Allaah] wuxuu uun ka bakhaylay naftiisa, oo Allaah waa Qani [ka deeqtoon wax waliba], oo idinkaa [dadow] ah sabool u baahan [Allaah], oo haddii aad ka jeesataan [adeecidda Allaah iyo wax ku bixinta arrinkiisa], wuxuu idin ku baddali doonaa qoom kale, oo ma ahaan doonaan kuwo idin lamid ah.

Suuradda 48aad: Al-Fatxi [Guusha]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waxaynu annagu ku siinnay [Muxammadow] furasho [guul] cad.
  2. Si uu Allaah kuugu dhaafo wixii horay kaaga dhacay oo danbiyo ah iyo wixii dib kaaga dhici kara, oo kuugu iltiro nicmaddiisa, oo kuugu hanuuniyo jid toosan.
  3. Oo kuugu gargaaro Allaah gargaar xoog leh.
  4. Waa isaga kan kusoo dajiyay xasilloonida quluubta mu’miniinta, si ay u kororsadaan iimaan la jira iimaankooda, oo Allaah baa iska leh ciidammada cirarka iyo dhulka, oo Allaah waa cilmi badane, xikmad badan.
  5. Si uu u galiyo mu’miniinta iyo mu’minadaha beero ay wabiyo hoos qulqulayaan [Janno] iyagoo ku waaraya waligood, oo uga tirtiro xumaantooda, oo taas Allaah agtiis waa liibaan wayn.
  6. Oo u cadaabo munaafiqiinta iyo munaafaqadaha iyo mushrikiinta iyo mushrikadaha ee ku maleeya malaha xun Allaah, kuwaasi waxay leeyihiin cadaab silic badan, oo Allaah wuu u caradooday, oo waa uu lacnaday wuxuuna u diyaariyay Naar, oo aayo xun.
  7. Oo Allaah baa leh ciidammada cirarka iyo dhulka, oo Allaah waa awood badane, xikmad badan.
  8. Waxaan annagu kuusoo dirnay [Muxammadow] markhaati, bishaareeye iyo dige ahaan.
  9. Si aad idinku [dadow] u rumaysaan Allaah iyo rasuulkiisa [Muxammad] oo u garab siisaan oo aad u sharaftaan, oo ugu tasbiixsataan ammaanaha [Allaah] subax iyo galabba.
  10. Xaqiiqdii, kuwa [Muxammadow] kula galaya baycada [wacadka, ballanta] waxay la galayaan bayco [wacad] Allaah, Allaah gacantiisa baa ah gacmahooda korkooda, Kiise ka baxaa ballantiisa, wuxuu uga baxayaa oo kaliya naftiisa, kiina oofiya wixii [Allaah] uu cahdiga kula galay, wuxuu [Allaah] siin doonaa ajar wayn.
  11. Waxay kugu oran doonaan kuwa ka haray [jihaadka] ee kamid ah reer miyiga, “Waxaa na shuqliyay maalkayagii iyo ehelkayagii, ee noo danbi dhaaf dalab.” Waxay ka leeyihiin carrabyadooda waxaan ku jirin qalbiyadooda. Dheh, “Yaa haddaba leh wax awood ah [oo idin ka celin kara] Allaah haddii uu Allaah idin la doono dhib ama idin la doono dheef? Balse Allaah waa u xog ogaal waxa aad falaysaan.”
  12. Mayee bal waxaad u malayseen in rasuulka iyo mu’miniintu aysan usoo noqon doonin marnaba ehelkooda, oo sidaas baa loo qurxiyay qalbiyadiinna, waxaadna malayseen male xun, oo waxaad noqoteen qoom halaagsamay.
  13. Oo kii aan rumayn Allaah iyo rasuulkiisa [Muxammad], waxaan annagu u diyaarinnay gaalada dab huraya.
  14. Oo Allaah baa iska leh xukunka cirarka iyo dhulka, wuxuu u danbi dhaafaa kii uu doono, oo ciqaabaa kii uu doono, oo Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  15. Waxay oran doonaan kuwii ku haray gadaal, marka aad u baxaysaan si aad usoo qaadataan qaniimooyin, “Noo oggolaada inaan idin raacno.” Waxay doonayaan inay baddalaan hadallada Allaah. Dheh, “Nama raaci doontaan. Sidaas buu Allaah horay u yiri.” Markaa waxay oran doonaan, “Mayee waa na xasdaysaan.” Ma jirto, waxse ma fahmaan in yar ma’ahee.
  16. Ku dheh [Muxammadow] reer miyiga ku haray gadaal, “Waxaa la idiin ku yeeri doonaa inaad la dirirtaan qoom dagaal aqoon daran leh, markaa waa la diriri doontaan amaba waa isdhiibi doontaan, ee haddii aad adeecdaan Allaah wuxuu idin siin doonaa ajar fiican, haddiise aad jeesataan sidii aad u jeesateen awal horaba, wuxuu idin ku ciqaabi doonaa cadaab xanuun badan.”
  17. Ma saara indhoolaha eed [danbi] oo ma saarna kan naafada ah eed, oo ma saarna bukaanka eed [inaysan u bixin Jihaadka jidka Allaah], oo kii adeeca Allaah iyo rasuulkiisa [Muxammad] wuxuu [Allaah] galin doonaa beero ay wabiyo hoos qulqulayaan [Janno], kiise jeediya dhabarka, wuxuu [Allaah] cadaabi doonaa cadaab xanuun badan.
  18. Dhabtii, Allaah wuxuu ahaa mid ka raalli ah mu’miniinta marka ay kugula ballantamayeen [Muxammadow] geedka hoostiisa, wuxuu ogaa waxa ku jiray qalbiyadooda, markaasuu kusoo dajiyay xasillooni korkooda, oo wuxuu ku abaal mariyay furasho [guul] dhow.
  19. Iyo qaniimooyin badan oo ay qaadan doonaan, oo Allaah waa awood badane, xikmad badan.
  20. Allaah wuxuu idiin yaboohay qaniimooyin badan aad qaadan doontaan, oo waa idiin soo dadajiyay tan [qaniimadii Khaybar], oo wuxuu idin ka celiyay gacmihii dadka, si ay ugu noqoto calaamo mu’miniinta, oo idin ku hanuuniyo jid toosan.
  21. Oo [guulo iyo qaniimooyin badan] oo kale [oo jira wuu idiin yaboohayaa] oo aydaan wali awooddeedii yeelan, Allaah baa dhab ahaan koobay, oo Allaah wax walba waa karaa.
  22. Oo haddii ay idinla diriraan kuwa gaaloobay, waxay jeedinayaan dhabarradooda [oo jabayaan], oo ma ay helayaan gacal iyo gargaar midna.
  23. Sidaas bay soo ahaan jirtay waddadii Ilaahay ee horayba uga dhex jirtay kuwii horay u tagay, oo kama heli doontid wax isbaddal ah waddadii Allaah.
  24. Oo isaga weeyaan kan idin ka celiyay gacmahooda idinka, iyo gacmahiinna iyaga Makka dhexdeeda, kaddib markii uu idin siiyay guusha, oo Allaah waa arkaha waxa aad falaysaan.
  25. Waa iyaga kuwa ku gaaloobay [xaqa] bo idin ka hor istaagay Masjid al-Xaraam [Kacbada ku taal Makka] oo ka xayiray hadyiga inuu gaaro meeshiisii gawraca. Haddii aysan jireen rag mu’miniin ah iyo haween mu’minado ah oo aydaan ogayn, oo laga yaabo in aad wax yeeshaan, taasoo danbi idin kasoo gaarayo iyo mashaqo [Allaah waa uu idiin fasaxi lahaa], sidaas waa si uu Allaah u galiyo naxariistiisa ciddii uu doono, haddii iyagu [mu’miniinta iyo gaalada] kala bixi [soocmi] lahaayeen, waxaan xaqiiqdii cadaabi lahayn kuwooda kamid ah ee gaaloobay cadaab xanuun badan.
  26. [Xus] markii uu Allaah yeelay kuwii gaaloobay qalbiyadooda faan iyo ficilo, faankii iyo ficiladii waqtigii jaahiliyada, markaasuu Allaah kusoo dajiyay xasilloonidiisa rasuulkiisa iyo mu’miniinta, oo ka yeelay kuwo ku sugnaada Kalmadda Taqwada [waa ilaah majiro xaq ah Allaah ma ahee] iyaga baana ugu mudan Kalimaddaas oo ehel u ah, oo Allaah wax walba waa og yahay.
  27. Xaqiiqdii, Allaah waa uga dhabeeyay rasuulkiisii riyadii xaqa ahayd ee uu tusiyay, [riyadaasoo] ahayd inay [Nabiga iyo] mu’miniinta gali doonaan Masjidka Xaramka [Makka] Allaah idankiis iyagoo aamin ah, iyagoo qaar timaha xiiranaya, qaarna ay gaabsanayaan, idinkoo aan qabin cabsi, wuxuu [Allaah] og yahay wax aydaan ogayn, markaasuu yeelay galitaanka Makka ka soke furasho [guul] dhaw [heshiiskii Xudaybiyya].
  28. [Allaah] waa kan lasoo diray rasuulkiisa [Muxammad] hanuun iyo diin xaq ah, si uu uga kormariyo diimaha oo dhan, oo Allaah ku filan markhaati ahaan.
  29. Muxammad waa rasuulkii Allaah, kuwa la jirana waa u daran yihiin gaalada. oo isu naxariis badan yihiin dhexdooda, waxaad arkaysaa iyagoo rukuucsan oo sujuudsan oo dalbaya deeqda Allaah [iyo] raallinimadiisa. Astaantooda [astaanta iimaankooda] waxay ka muuqataa wajiyadooda oo raadadkii sujuuddooda ah, tani waa tilmaantooda ku taal Tawraadda, tilmaantoodase ku taal Injiilka waa sida [abuur] la beeray oo lasoo kacda madaxeeda, oo yeelata xoog, oo noqota gahayr, oo ku istaagta iyadoo toosan salkeeda, iyadoo farax galinaysa beeralayda, waa si uu [Allaah] ugu ciilo gaalada. Allaah wuxuu u yaboohay kuwooda kamid ah ee [xaqa] rumeeyay [waa dhammaan Muslimiinta rumaysay Allaah iyo rasuulkiisa Muxammad ilaa iyo Qiyaamaha] oo fala camallo wanaagsan danbi dhaaf iyo ajar wayn.

Suuradda 49aad: Al-Xujuraat [Guryaha Gaarka ah]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Ha degdegina Allaah iyo rasuulkiisa hortood, oo ka cabsada Allaah. Xaqiiqdii Allaah waa maqal badane, cilmi badan.
  2. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Ha uga qaadina codadkiinna kor codka Nabiga oo ha ugula tannaagoonnina hadalka sida qaarkiin qaar ugula tannaagoodo hadalka, si aan camalladiinna u burin idinkoo aan dareensanayn.
  3. Xaqiiqdii, kuwa gaabiya codadkooda oo koos u dhiga marka ay ag joogaan rasuulka Allaah waa kuwo uu Allaah imtixaanay quluubtooda taqwo darteed, abaalgudkoodu waa danbi dhaaf iyo ajar wayn.
  4. Xaqiiqdii, kuwa kaaga yeera guryaha duleedkooda, badankoodu ma aha wax garad.
  5. Oo haddii ay sabri lahaayeen inta aad ugu soo baxayso, waa sida u khayr badnaan lahayd, oo Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  6. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Haddii uu qof xun oo faasiq ah idiinla yimaado war, hubsada warkaa, si aydaan wax ugu yeelin dad war la’aan, oo aydaan markaas u noqon kuwa ka shallaaya wixii aad fasheen.
  7. Oo ogaada, waxaa idinku jira rasuulka Allaah, haddii uu idin ka yeeli lahaa in badan oo arrinka kamid ah, hubaashii waa dhibtoon lahaydeen, laakiinse Allaah baa idin jeclaysiiyay iimaanka oo ku qurxiyay quluubtiinna, oo ka yeelay wax aad neceb tihiin gaalnimada, faasiqnimada iyo ku caasinta [Allaah iyo rasuulkiisa], kuwaasina waa kuwa hanuunsan.
  8. Waa fadliga Allaah iyo nicmaddiisa, oo Allaah waa cilmi badane, xikmad badan.
  9. Oo haddii ay labo qolo ama kooxood oo mu’miniinta kamid ahi diriraan, markaa heshiisiiya oo nabad ka sameeya dhexdooda, haddii ay middood ku gardarrooto tan kale markaa la dirira [dhammaantiin] midda gar daran jeer ay usoo noqoto amarka Allaah, haddii ay soo noqoto, markaa ka sameeya heshiis iyo nabad dhexdooda, oo u kala garsoora si caddaalad ah, xaqiiqdii! Allaah waa jecel yahay kuwa u garsoora [si caddaalad ah].
  10. Mu’miniintu wax kale ma ahee waa walaalo [ku walaalo ah diinta], ee ka sameeya heshiis iyo nabad walaalihiin dhexdooda, oo ka cabsada Allaah, waa intaasoo uu idiin naxariisto ee.
  11. Kuwa [Xaqa] rumeeyow! Qolona yaysan quursan qolo kale, waxaa laga yaabaa in kuwa dambe ay ka khayr badan yihiin kuwa hore, oo yaysan haweenna quursan haween kale, waxaa laga yaabaa in kuwa dambe ay ka khayr badan yihiin kuwa hore, oo ha is ceebaynina, oo ha isugu yeerina naanaysyo xun, maxay wax xun tahay inuu qofi quursado walaalki kadib markii uu yeeshay iimaan [macnaha waa xumaa inaad ugu yeerto walaalkaa Muslimka ah, “Gaalyahow,” “danbiilayahow” ama “faasiqyahow,” iyo wixi lamida]. Oo kii aan tawbad keenin, waa kuwaas daalimiinta.
  12. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Ka jooga wax badan oo malooyinka ah, xaqiiqdii malooyinka qaarkood waa danbi, oo ha is jaasuusina, oo midkiinna yuusan xaman mid kale, miyuu jecel yahay midkiin inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah? Waad neceb tihiine [haddaba naca xanta], oo ka cabsada Allaah, xaqiiqdii Allaah waa mid aqbala tawbada, naxariis badan.
  13. Dadow! Waxaan idin ka abuurnay lab iyo dhaddig, oo idin ka dhignay ummado iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan. Xaqiiqdii, kan idiinku gobsan Allaah agti waa kaa [mu’minka ah] ee toosan. Xaqiiqdii Allaah waa cilmi badane, xog ogaal ah.
  14. Reer miyigii waxay yiraahdeen, “Waan rumaynay [xaqa].” Dheh, “Ma aydaan rumayn laakiinse dhaha oo keliya, ‘Waan is dhiibnay [islaamnay],’ waayo iimaanku wali ma galin quluubtiinna. Haddiise aad adeecdaan Allaah iyo rasuulkiisa, waxba [Allaah] idinkama uu nusqaamin doono ajar ahaan xagga camalladiinna. Xaqiiqdii, Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  15. In kale maahee mu’miniintu waa kuwa rumeeyay Allaah iyo rasuulkiisa, oo aan shakiyin, oo ugula jihaada maalkooda iyo nafahooda arrinka Allaah, kuwaaas waa kuwa runlowyada ah.
  16. Dheh, “Ma Allaah baad u sheegaysaan diintiinna? Isagoo Allaah ogsoon yahay waxaa jira cirarka iyo waxaa jira dhulka, oo Allaah wax walba waa og yahay.”
  17. Waxay kuugu manno iyo abaal sheeganayaan [Muxammadow] inay qaateen Islaamka. Dheh, “Ha iigu abaal sheegannina islaamiddiinna, bal Allaah baa idiinku abaal sheeganaya inuu idin ku hanuuniyay iimaanka, haddii aad run sheegaysaan.”
  18. Xaqiiq, Allaah baa ogsoon Ghaybka [waxa qarsoon aan muuqan ama ku maqan] cirarka iyo dhulka, oo Allaah waa arkaa waxa aad falaysaan.

Suuradda 50aad: Qaaf

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Qaaf [xarafkani iyo xarfaha kale ee kusoo arooray billawga suuradaha qaarkood waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah oo kaliya baa ogsoon muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo]. Waa igu Qur’aanka sharafta badan.
  2. Mayee, waxay la yaabeen inuu u yimid dige [Muxammad] kamid ahi, oo gaaladii waxay yiraahdeen, “Waxakanu waa wax la yaab leh.”
  3. “Ma markii aan dhimanno oo aan noqonno ciid [miyaa nala soo bixin doonaa]? Taasu waa soo noqosho fog.”
  4. Waxaan ognahay dhabtii waxa uu dhulku ka nusqaamiyo [jirarkooda maytan], oo agtayada waxaa ah kitaab xafidan [Lawxul Maxfuudka].
  5. Mayee, balse waxay beeniyeen xaqa [Qur’aankan] markii uu u yimid, marka waxay ku jiraan arrin murugsan [oo ma kala saari karaan xaq iyo baadil].
  6. Mawaysan fiirin cirka korkooda ah, sida aan u dhisnay oo u qurxinnay, oo ayan u lahayn wax duleello ah.
  7. Dhulkana waan fidinnay, waxaana ku sugnay buuro, oo kasoo saarnay dhexdiisa nooc walba oo dhir qurxoon ah.
  8. Oo tusmo iyo waano u ah addoon kasta oo u laabta Allaah oo tawbadkeen badan.
  9. Oo waxaan kasoo dajinnay cirka biyo barakaysan [roob], oo kusoo saarnay beero iyo baad [miro la goosto].
  10. Iyo geedo timireed dhaadheer oo leh fiido wax kasoo dhasha oo is dul saaran.
  11. Waa rizqi ay leeyihiin addoomaha Ilaahay, oo waxaan ku noolaynaa roobkaa dhul dhintay. Sidaas oo kale bay ahaan doontaa soo bixinta [maytida].
  12. Waxaa beeniyay hortood iyaga [gaalada Makka ee ku beeniyay Muxammadow] qoomkii Nuux iyo qoladii Rassi iyo Thamuud.
  13. Iyo Caad iyo Fircoon iyo Luud walaalihi.
  14. Iyo reer hawdkii iyo qoomkii Tubbac, mid kasta oo kamid ah waxay beeniyeen rusushoodii, waxaana ku dhacay wixii Allaah ugu gooddiyay [ciqaabkii].
  15. Ma waxaan ku daalnay abuuristii hore? Mayee, waxay ka shakisan yihiin abuurista cusub [soo bixinta iilka lays kasoo saari doono].
  16. Oo waxaan dhabtii abuurnay Aadamaha, oo waa ognahay waxa ay naftiisu iskula hadasho, oo waxaan uga dhawnahay xawl mariidka [xididka dhuunta].
  17. Marka ay labada xil qaadayaal [malaa’igta wax qoraysa] qaadaan xilka [ruux kasta lab ama dhaddig kuu ahaado markii uu baaluqo] mid wuxuu ka fadhiyaa dhinaca midigta midna dhinaca bidixda [si ay u qoraan camalladiisa].
  18. Ma jiro eray kasoo baxa oo uusan ag joogin ilaaliye u diyaar ah [inuu qoro].
  19. Oo waxay ku iman doontaa sakaraadka dhimashada xaq, “Waxakani waa wixii aad ka meermeerayseen!”
  20. Oo waa la afuufi doonaa buunka, taasu waa maalintii laga digayay [maalinta Qiyaamaha].
  21. Oo naf walbaa waxay iman doontaa iyadoo uu la socdo [malag] hoggaaminaya, iyo mid [malag] ku markhaati furaya.
  22. [Waxaa lagu oran doonaa danbiilayaashii], “Waxaad dhabtii ahaydeen kuwo moog waxakani, haatan waxaan qaadnay daboolkiinnii, oo maanta araggiinna waa wax adag oo xoog badan.”
  23. Oo rafiiqiisu [malaggiisu] wuxuu oran doonaa, “Halkan waxaa ah [qoraalkan] oo diyaar ila ah.”
  24. [Oo waxaa la oran doonaa], “Labadiinnu ku tuura naarta jazzaar kasta madax adag,” [waa amar xagga Allaah laga siin doono labadaa malag].
  25. “Khayr diidaa, xad gudbe, shaki qabeen kasta.”
  26. “Kan yeelay Allaah la jirki ilaah kale, ee ku tuura cadaabta daran.”
  27. Rafiiqiisii [shaydaan] wuxuu oran doonaa, “Rabbiyow! Anigu ma aanan u horseedin lumitaan [shirki, kufri, dulmi, macaasi] laakiinse isaga baa ku sugnaa baadi fog.”
  28. Allaah wuxuu oran doonaa, “Haku doodina hortayda, waxaan horay idiin kusoo diray gooddigii.”
  29. “Hadalka igasoo fulaa ma aha mid la baddalo, oo anigu ma ahi mid dulmiya [in yarba ha ahaatee] addoomaha.”
  30. [Xus] maalinta aan ku oran doonno Naarta, “Ma buuxsantay?” Waxay oran doontaa, “Ma jiraan wax dheeraad ah?”
  31. Oo Jannada loo soo dhaweeyo kuwii ka dhawrsaday xumaha iyadoo aan fogaynba.
  32. [Waxaa la oran doonaa] “Waxakani waa wixii la idin yaboohay, waxaa leh kuwa ugu laabta Allaah tawbad san oo daacad ah, iyo kuwa dhawra wacadkooda ay la galeen Allaah [iyagoo ku adeecaya dhammaan wixii uu amray, aan caabudayn cidna Allaah maahee].
  33. “Kan ka cabsaday Raxmaanka [Allaah] Ghayb ahaan, [waa noloshan adduunka ka hor intayan arag oo la kulmin] oo la yimid qalbi ula noqday tawbad [xagga Allaah].”
  34. [Waxaa lagu oran doonaa], “Ku gala idinku dhexdeeda [Jannada] nabad iyo ammaan, tani waa maalintii waariddee.­”
  35. Halkaa [Jannada] dhexdeeda waxay ka helayaan wixii ay doonaan, oo waxaan u haynaa wax intaa ka badan,” [taana waxaa weeye oo loola jeedaa aragtida ay arki doonaan Allaah jalla jalaaluh].
  36. Oo badanaa inta qaaruun aan rognay iyaga hortood, kuwaasoo ahaa kuwo ka xoog badan [oo markii ay cadaabtayadii timid] cararay iyagoo ka xulanaya meel ay ciirsadaan dhulka. Miyayse jirtaa meel Allaah looga cararaa oo ciirsi leh [si ay uga badbaadiyaan nafahooda hoogga iyo halaagga]?
  37. Xaqiiqdii, taas waxaa ugu sugan waano kii qalbi leh ama maqalka raariciya isagoo baraarugsan.
  38. Oo waxaan dhabtii ku abuurnay cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya lix maalmood oo nama taaban wax daal ah.
  39. Ee u sabar [Muxammadow] waxa ay leeyihiin, oo ku taxbiixso ammaanaha Rabbigaa ka hor qorrax soo baxa iyo ka hor dhiciddeeda [yacni waa oog salaadaha Subax, Duhur, iyo Casar].
  40. Oo qayb kamid ah habeenkii [sidoo kale] ku tasbiixso ammaanahiisa [salaadaha Maqrib iyo Cisho] sidaa oo kale fal salaadaha [sunnada ah] gadaashood.
  41. Oo dhagayso maalinta uu dhawaaquhu ka dhawaaqi doono meel dhaw.
  42. Maalinta ay ku maqli doonaan qaylo xaq, taasu waa maalinta kasoo bixidda [qubuuraha, waa maalinta Qiyaamaha].
  43. Waa annaga kuwa bixiya nolosha oo sababa dhimashada, oo waa xaggayaga noqodka dambe.
  44. Maalinta uu dhulku ka dillaaci, iyaguna halkaa [bay kasoo bixi doonaan] iyagoo horay u dagdagaya, taasu waa soo kulmin noo fudud.
  45. Annaga baa ogsoon waxa ay leeyihiin, oo adigu [Muxammadow] ma ahid mid qasab ku leh, ee ku waani [oo ugu dig] Qur’aanka kii ka cabsanaya gooddigayga.

Suuradda 51aad: Ad-Daariyaat [Dabeylaha Boorka Kiciya]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waa igu [dabaylaha] boorka kiciya.
  2. Iyo [daruuraha] xambaarsan culays badan oo biyo ah [roobka].
  3. Iyo [doonida] sida fudud u socota.
  4. Iyo kuwaa [malaa’igta] ku qaybisa [rizqiga, roobka iyo barakooyinka kale] amarka Ilaahay.
  5. Xaqiiqdii, waxa la idiin yaboohay [soo bixinta Aakhirada iyo la kulanka ajarka ama ciqaabka wixii la falay oo camallo san ama xun ah] waa run dhab ah.
  6. Oo xaqiiqdii, jaazaynta waa la hubaa inay dhacayso.
  7. Waa igu cirka waddooyinka badan.
  8. Waxaad xaqiiqdii idinku ka qabtaan fikrado kala duwan [Muxammad iyo Qur’aanka].
  9. Kan laga duway isaga [xagga Muxammad iyo Qur’aanka] waa kii horay lagaga duway [Qadaha iyo Qaddarka Ilaahay].
  10. Lacnadi haku dhacdo beenaalayaasha.
  11. Kuwa uu saaran yahay dabool ah maahsanaan [ee aan ka fakarin dhibaatada Aakhirada].
  12. Waxay waydiiyaan, “Goorma bay ahaan doontaa maalinta Jaazaynta?”
  13. Waa maalin Naarta lagu gubi doono.
  14. [Waxaa lagu oran doonaa] “Dhadhamiya idinku gubashada [Naarta]. Waxakanu waa wixii aad dagdagsan jirteen.”
  15. Xaqiiqdii, kuwa ka dhawrsada xumaha waxay ku sugnaan doonaan beero iyo ilo.
  16. Iyagoo ku qaadanaya raaxo iyo farxad waxyaalaha uu Rabbigood siiyay. Waxay ahaayeen ka hor waxakani sama falayaal.
  17. Waxay ahaan jireen kuwo habeenkii in yar hurda leda [iyagoo kusoo jeedi jiray habeenka intiisa kale Alle bari iyo salaad si cabsi iyo rajo u dhaxaysa].
  18. Oo waqtiyada suxuurta [saacad kahor salaadda Subax] waxay [ahaayeen kuwo lala kulmo iyagoo ku sugan xaalad ay ku] waydiisanayeen [Allaah] danbi dhaaf.
  19. Oo maalkooda xaq [zako iyo sadaqo] bay ku leeyihiin waydiistaha iyo dhibaataysanahaba.
  20. Dhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin.
  21. Iyo sidoo kale nafahiinna gudahooda, ee mawaydaan arkaynin [oo ku waano qaadanayn]?
  22. Oo cirka buu jiraa rizqigiinna iyo waxa la idiin yabooho.
  23. Ee waa igu Rabbiga cirka iyo dhulka, waa xaq [waxa la idiin yaboohay] sida ay u tahay xaq inaad hadli kartaan.
  24. Ma kuu yimid warkii martidii Ibraahiim ee sharafta lahayd? [Saddex malag bay ahaayeen martidaa: Jibriil iyo labo malag oo kale oo la socday.]
  25. Markii ay usoo galeen oo yiraahdeen, “Salaam [nabad ahow],” wuxuu yiri, “Salaam! Waxaad tihiin qawm aan la garanayn.”
  26. Markaasuu aaday xagga reerkiisii oo keenay dibi buuran oo shiilan.
  27. Oo usoo dhaweeyay [isagoo leh], “Mawaydaan cunayn?”
  28. Markaas baa waxaa ka galay dareen cabsi ah [markii ayan waxna cunin]. Waxay yiraahdeen, “Ha cabsan,” waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi iyo faham badan [Nabi Isxaaq].
  29. Markaas bay soo aadday haweentiisii iyagii iyadoo codkeeda kor yahay, oo iska dharbaaxaysa wajiga, oo tiri, “Ma habar madhasho ah oo duqowday [yaa wax dhalaysa]?”
  30. Waxay yiraahdeen, “Sidaas buu leeyahay Rabbigaa, xaqiiqdii waa isaga xikmad badanaha, cilmiga badan.”
  31. [Ibraahiim] wuxuu yiri, “Muxuu xaalkiinnu yahay kuwayahaw lasoo diray?”
  32. Waxay yiraahdeen, “Waxaa naloosoo diray qawm ah mujrimiin [mushrikiin, gaalo, danbiilayaal iyo wixi lamida].”
  33. “Si aan ugusoo dirro korkooda dhagxaan dhoobo dab ah.”
  34. “Uu usoo calaameeyay Rabbigaa musrifiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha, xadgudbayaasha iyo wixi lamida].”
  35. Markaas baan kasoo bixinnay halkaa wixii ku jiray oo mu’miniin ah.
  36. Kamase aannu helin wax aan ahayn hal guri oo reer Muslimiin ah [Luud iyo labadiisii gabdhood].
  37. Oo waxaan ugu reebnay halkaa calaamo [ay ku waano qaataan] kuwa ka cabsada cadaabka xanuunka badan.
  38. Oo Muusaa [sidoo kale waxaa ku sugan calaamo] markii aan u dirnay Fircoon isagoo wata xujo cad.
  39. Wuuse ka jeesaday [Fircoon rumaynta isla wayni darteed] isaga oy la jiraan ciidammadiisii, wuxuuna yiri, “Waa saaxir ama nin waalan.”
  40. Markaas baan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo ku tuurnay badda isagoo eedaysan.
  41. Oo Caad [waxaa sidoo kale ku sugan calaamo] markii aan ku dirnay dabayl khayr daran.
  42. Waxba kama tagin ay ku timid bal waxay ka dhigtay digada oo kale.
  43. Oo Thamuud [waxaa ku sugan sidoo kale calaamo] markii lagu yiri, “Raaxaysta ilaa muddo [magacaaban].”
  44. Waxayse ka hor yimaadeen amarkii Rabbigood, waxaana qabatay saaciqa [qaylo aad u wayn, jug] iyagoo u jeeda.
  45. Sidaa darteed waa awoodi waayeen inay soo kacaan, isumana gargaari karin.
  46. [Sidoo kale bay ahaayeen] qawmkii Nuux iyaga hortood, waxay ahaayeen qawm faasiqiin ah.
  47. Samadana waxaan ku dhisnay xoog oo waxaannuna karnaa inaan waasicinno jihadeeda sare.
  48. Arladana waannu gogollay, maxaynu nahay kuwa si fiican wax u gogla!
  49. Oo wax walba waxaan ka abuurnay labo nooc, si aad ugu waano qaadataan.
  50. Ee u carara Allaah [tawbad keena], waxaan anigu [Muxammad] xaggiisa idiin ka ahay dige cad.
  51. Oo ha yeelina [ama ha caabudina] la jirka Allaah ilaah kale, waxaan anigu [Muxammad] xaggiisa idiin ka ahay dige cad.
  52. Waa sidaase, ma jiro rasuul u yimid kuwii iyaga ka horreeyay oo aysan oran, “Waa saaxir,” ama “Waa waalan yahay.”
  53. Miyay iskula dardaarmeen arrintaasi? Mayee, waa qawm xadgudub badan.
  54. Ee isaga jeeso [Muxammadow] iyaga [mushrikiinta Quraysh], kaama saarna eed [maadaama aad soo gaarsiisay dhambaalka Allaah].
  55. Oo waani [Muxammadow] waxay xaqiiqdii waanadu anfacaysaa mu’miniinta.
  56. Oo uma aannu abuurin Jinka iyo Insiga waxaan ahayn inay icaabudaan [iwaxidaan].
  57. Kama dalbo wax rizqi ah [yacni rizqigaan siiyo iyaga ama uumankayga] oo mana waydiisto inay iquudiyaan [macnaha quudiyaan naftooda ama uumankayga].
  58. Xaqiiqdii, waa Allaah irzaaqaha awoodlaha xoogga badan.
  59. Oo waxaa xaqiiqdii u sugnaaday kuwa fala dulmiga [shirkiga iyo macaasida] saami cadaab ah oo lamid ah saamigii cadaabeed [ee u yimid] eynigoodii [waayo hore], ee yaysan iwaydiisan inaan usoo dadajiyo.
  60. Ee hoog waxaa leh kuwa ku gaalooba [Allaah iyo rusushiisa], cadaabtaas oo kaga iman doonta maalintoodaasi loogu yaboohay [ciqaabtooda].

Suuradda 52aad: Ad-Duur [Buurta]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waa igu buurta.
  2. Iyo Kitaabka qoran.
  3. Ee indhalka ku fidsan.
  4. Oo waa igu Baytul Macmuur [waa guriga samooyinka dushiisa ku yaal abbaarta Kacbada Makka ku taal, ay sida joogtada usoo ziyaartaan malaa’igta].
  5. Oo waa igu saqafka la kor yeelay [cirka].
  6. Oo waa igu badda la huriyo [maalinta Qiyaamo].
  7. Hubaashii, cadaabta Rabbigaa waa wax dhacaya oo sugan.
  8. Ma jiro wax celin kara.
  9. Maalinta marka uu cirku walhan doono walhasho daran.
  10. Oo buuruhu socon doonaan socosho [yaab] leh.
  11. Ee hoog waxaa leh maalintaas kuwa [xaqa] beeniyay.
  12. Ee ku hawlan baadilka iyagoo iska cayaaraya.
  13. Maalinta lagu tukhantukhayn doono Naarta tukhantukhayn xoog leh.
  14. [Waxaa lagu oran doonaa] “Tani waa Naartii aad beenin jirteen.”
  15. “Waxakanu ma sixir baa, mise idinku ma aragtaan?”
  16. “Gala, sabra ama ha sabrine waa isugu kiin mid, waxaa uun laydanka jaazaynayaa wixii aad camal fali jirteen.”
  17. Xaqiiqdii, kuwa ka dhawrsada xumaha waxay ahaan doonaan beero [Janno] iyo barwaaqo dhexdeed.
  18. Iyagoo ku faakihaysanaya wixii uu siiyay Rabbigood, [iyo xaqiiqda in] Rabbigood ka dhawray cadaabta Naarta hurka badan.
  19. [Waxaa lagu oran doonaa] “Cuna oo cabba si farxadi ku dheehan tahay, waa abaalka wixii aad camal fali jirteene.”
  20. Waxay ku dangiigsan doonaan [si raaaxo leh] sariiro la safay, oo waxaynu u guurin doonnaa xuural-cayn.
  21. Oo kuwa [xaqa] rumeeyay oo ay carruurtooda ku raacdo iimaanka, waxaynu tiigsiin doonnaa carruurtooda, oo kama dhimi doono ajarka camalkooda waxna. Qof walbaa wuxuu curaar u yahay [rahan] wixii uu kasbaday.
  22. Oo waxaan siin doonnaa faakiho iyo hilib, oo wixii ay doonaan ah.
  23. Halkaa waxay isu dhiibdhiibi doonaan galaas [khamro] ah aan lahayn wax ah laqwi [baadil, hadal xun oo macno darro ah, af lagaaddo dhexdooda ah] iyo danbi midna.
  24. Halkaa waxaa u adeegi doona wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhawray.
  25. Oo wuxuu qaabilayaa qaarkoodba qaarka kale, iyagoo wax iswaydiinaya.
  26. Waxay oranayaan, “Waxaynu innagu ahayn awal hore ehelkayagaba dhexdiisa kuwo ka cabsada [cadaabka Allaah].”
  27. “Allaah baase nagu mannaystay [danbi dhaaf] oo naga dhawray cadaabta Naarta.”
  28. “Waxaan innagu awal hore baryi jirnay isagoo [kaliya oo cid kale ma aynu baryi jirin]. Xaqiiqdii [Allaah] waa isaga Al-Barr [baarriga, gacalka, turid badanaha, deeq badanaha] naxariista badan.
  29. Ee waani [Muxammadow] waa igu nicmadda Allaah, adigu ma tihid curraafle wax sheega iyo ku waalan midna.
  30. Mise waxay leeyihiin, “[Muxammad] waa gabyaa aan la sugno xoogaa wareegga waayaha ah [musiibo, geeri iyo wixi lamida].”
  31. Waxaad dhahdaa [Muxammadow], “Suga! Anigana waan idinla sugiye.”
  32. Ma caqliyadooda xun baa sidaas amra [inay ku been abuurtaan Muxammad]? Ma aha ee waa qawm aan khayr lahayn oo xadgudub badan.
  33. Mise waxay yiraahdaan, “Isaga [Muxammad] baa been abuurtay [Qur’aankan].” Mayee, ma rumeeyaan.
  34. Ee ha keeneen hadal la mid ahi [Qur’aankan] haddii ay run sheegayaan.
  35. Mise waxaa laga abuuray cidla, mise iyaga baa abuuray [nafahooda]?
  36. Mise waxay abuureen cirarka iyo dhulka? Mayee, wax ma ay yaqiinin.
  37. Mise waxay hayaan khaznadaha [iyo khayraadka] Rabbigaa? Mise iyaga baa xisaabin dadka?
  38. Mise waxay leeyihiin sallaan ay kor ugu fuulaan [cirka] ay kusoo dhagaystaan [hadallada malaa’igta]? Ee hala yimaado dhagaystahoodu xujo cad.
  39. Mise wuxuu Allaah leeyahay gabdhaha kaliya oo aad idinkuna leedihiin wiilasha?
  40. Mise waxaad adigu [Muxammadow] ku waydiisataa ujuuro [fidintaada diinta] sidaa awgeed dayn la culaabaysan yihiin?
  41. Mise Ghaybka [waxa maqan ama qarsoon] bay iyagu hayaan oo qoraan?
  42. Mise waxay kula maaggan yihin dhagar, kuwase gaaloobay iyagaa shir qoolan oo dhagran.
  43. Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Allaah? Ka nazahan Allaah waxa ay la wadaajiyaan cibaadada.
  44. Oo haddii ay arkaan gabal cirka kamid ah oo soo dhacaysa waxay oran doonaan, “Waa daruur is dul saaran.”
  45. Ee isaga tag iyaga kaliya inta ay kala kulmaan maalintooda [loo yaboohay] ee dhexdeeda lagu halaagi doono.
  46. Maalinta aysan dhagartoodu waxba u tari doonin oo aan loo gargaari dooninna.
  47. Oo waxaa xaqiiqdii u sugnaaday kuwa fala dulmiga [shirkiga iyo macaasida] cadaab kale [waa cadaabta adduunkani iyo qubuurtooda gudahooda] laakiinse badankoodu ma oga.
  48. Ee ku sabar xukunka Rabbigaa, waxaad adigu tahay indhahayaga hoostooda [oo annaga baa ku ilaalinayna], oo ku tasbiixso ammaanaha iyo xamdiga Rabbigaa marka aad soo kacdo.
  49. Habeenka qaarkiisna tuko oo ku tasbiixso ammaanahiisa, iyo marka ay dhacaan xiddigaha.

Suuradda 53aad: An-Najmi [Xiddiga]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waa igu xiddigga marka uu hoobto [ama qarsoomo].
  2. Ma dhumin saaxibkiin [Muxammad] oo ma habaabin.
  3. Oo kuma hadlo hawadiisa.
  4. Waa oo kaliya waxyi loo waxyooday.
  5. Waxaa wax baray [oo xagga Rabbi kasoo gaarsiiyay Qur’aankan] mid xoog badan [Jibriil].
  6. Duu Mirrah [ka tiran iin iyo dhaliil jir iyo maskaxba] oo sugnaaday.
  7. Isagoo [Jibriil] ah halka ugu sarraysa jahada sare.
  8. Kaddibna [Jibriil] waa usoo dhawaaday oo soo hoobtay.
  9. Oo usoo jirsaday in le’eg qaanso xadhigeed ama kasii dhaw.
  10. Wuxuuna Allaah u waxyooday addoonkiisa [Muxammad] wixii uu u waxyooday [isagoo usoo marayay Jibriil].
  11. Kama been sheegin qalbigu wixii uu [Muxammad] arkay.
  12. Ee ma waxaad kula murmaysaan [Muxammad] wixii uu arkay [markii la dheelmiyay oo loo qaaday toddobada samo ka shishe isaga oo dhan jir iyo ruuxba]?
  13. Oo wuxuu [Muxammad] dhabtii ku arkay [Jibriil] soo dagid labaad mar kale.
  14. Sidratul Muntahaa agtiisaa [geed gob ah oo dhammaadka xadka samooyinka ah [oo aan cidna ka shishe mari karin].
  15. Waxaa agteeda ah Jannada nagida.
  16. Marka uu daboolay gobka wixii daboolay.
  17. Aragga [Nabi Muxammad] uma iilan dhinacna [midig ama bidix], mana dhaafin oo ma ka shishe marin xadkii loo dhigay.
  18. Wuxuu dhabtii wax ka arkay calaamooyinka Rabbigi ee waawayn.
  19. Bal ka warrama Laata iyo Cuzzaa? [Labo sanam oo ay lahaayeen mushrikiintii Carbeed. Ma wax bay tari karaan ama cid wax yeeli karaan? Mase mudan yihiin wax tixgalin ah iyo mudnaan dhagaxyo aad dhoodhoobteen?]
  20. Iyo Manaat [sanam kale oo ay lahaayeen mushrikiintii Carbeed] midka saddexaad ah ee kale?
  21. Ma idinka baase leh laboodka oo [Allaah] leeyahay dhaddigoodka?
  22. Taasu dhabtii waa qayb dulun ah.
  23. Ma aha wax kale aan ahayn magacyo aad bixiseen idinka iyo aabbayaashiin, oo uusan Allaah usoo dajin wax xujo ah, oo ma raacayaan waxaan ahayn male iyo waxa ay naftoodu doonto, waxaana dhabtii uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan.
  24. Mise Aadamuhu wuxuu leeyahay wixii uu rabo?
  25. Ee Allaah baa iska leh tan dambe [Aakhirada] iyo tan horaba [adduunka].
  26. Oo badanaa inta malag jooga cirarka aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Allaah u idmo maahee ciddii uu doono oo ka raalli noqdo.
  27. Xaqiiqdii, kuwa aan rumaysnayn Aakhirada waxa ay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dhaddig.
  28. Iyagoo aan wax cilmi ah u lahayn, waxay raacaan oo kaliya malo, oo xaqiiqdii maluhu waxba kama taro xaqa.
  29. Ee isaga jeedso [Muxammadow] kii ka taga xuskayaga [Qur’aankan] oo aan doonayn waxaan ahayn nolosha adduunka.
  30. Taasi waa inta uu gaaray garaadkooda aqooneed, xaqiiqdii Rabbigaa waa og yahay kan ka dhuma jidkiisa, oo og yahay kan hanuunsan.
  31. Oo Allaah baa iska leh waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka, si uu uga jaazeeyo kuwa fala xumaanta wixii ay camal faleen, [waa uu ugu cadaabo Naarta gudaheeda] oo ugu abaal gudo kuwa fala samaanta waxa wax u wanaagsan [waa Jannada].
  32. Kuwa ka fogaada danbiyada waawayn iyo foolxumooyinka, gafafka yaryar maahee, xaqiiqdii Rabbigaa waa mid leh danbi dhaaf ballaaran. Wuxuu idiin yaqaan si fiican waa tii uu idin ka abuuray dhulka [Aadam], oo waatii aad jiifka ku ahaydeen uurarka hooyooyinkiin. ee ha is ammaanina, Allaah baa og kan ka cabsada.
  33. Ka warran [Muxammadow] midka ka jeesaday [xaqa].
  34. Oo bixiyay wax yar, oo joojiyay [wax bixintii].
  35. Ma wuxuu hayaa cilmi Ghaybka, oo isagu arkaa?
  36. Mise ma waan looga warramin wixii ku qornaa waraaqihii Muusaa?
  37. Iyo Ibraahiim ee oofiyay [wixii uu Allaah amray].
  38. Inaysan nafna qaadi karin danbiga naf kale.
  39. Iyo inuusan Aadamuhu helaynin waxaan ahayn waxa uu falay [samaan ama xumaan].
  40. Iyo in camalladiisu ahaan doonaan kuwa la arko.
  41. Kaddibna looga abaal marin doono si dhan abaalmarinta kaamilka ah.
  42. Iyo in xagga Rabbigaa [Allaah] uu yahay dhammaadka [meel noqoshada iyo gaddoonka wax waliba].
  43. Iyo inuu yahay isaga [Allaah] kan ka yeela [kii uu doono] inuu qoslo, oo ka yeela [kii uu doono] inuu ooyo.
  44. Iyo inuu yahay isaga [Allaah] kan sababa dhimashada oo bixiya nolosha.
  45. Iyo inuu isagu [Allaah] ka abuuray labada nooc labka iyo dhaddigaba.
  46. Nudfa [biyo shahwo ah] lasoo tuuro.
  47. Iyo inuu isagu [Allaah] ahaysiin unkidda kale [soo bixinta iilka layska soo saari doono].
  48. Iyo inuu isagu yahay [Allaah] kan bixiya wax badan ama yar [ama bixiya hodantinnimo iyo qaneeco].
  49. Iyo inuu isagu [Allaah] yahay Rabbiga xiddigga Shicraa [Nayruuska, xiddigii ay caabudi jireen mushrikiintii Carbeed ciidna ka yeelan jireen markii uu soo baxayo; dabshid iyo istun].
  50. Iyo inuu yahay isagu [Allaah] kan rogay [reer] Caadkii hore.
  51. Iyo [reer] Thamuud, kamana uusan reebin cidna iyaga.
  52. Iyo qawmkii Nuux awal hore, waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xad gudub badan.
  53. Oo wuxuu halaagay magaalooyinkii la dabagaddiyay [ee Saduum ku yiil oo ahayd halkii Nabi Luud loo diray].
  54. Wuxuuna ku daboolay wixii daboolay [dhagaxyo naar ah oo cirka looga soo daadiyay].
  55. Ee tee baad nicmooyinka Rabbi [dadow] ka doodaysaan?
  56. Kanu [Muxammad] waa dige [rasuul] kamid ah digayaashii [rusushii soo taxnaa] ee hore.
  57. Way soo dhawaatay saacaddii Qiyaame.
  58. Cid ma jidho Allaah ka sokow celin kartaa [ama soo hor marin kartaa, ama dib dhigi kartaa].
  59. Ee ma waxaad la yaabban tihiin hadalkan [Qur’aanka]?
  60. Oo ku qoslaysaan [idinkoo beeninaya] oo aydaan ooyayn [cabsi Allaah darteed]?
  61. Idinkoo ku dhuminaya cimrigiinna [qaaliga ah] maaweelo iyo madaddaallo [heesid, iyo wixi lamida]?
  62. Ee ula dhaca sujuud Allaah, oo caabuda isaga kaliya.

Suuradda 54aad: Al-Qamar [Dayaxa]

Ku Billaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxarusta Badan.

  1. Waxaa soo dhawaatay saacaddii [Qiyaame], dayaxiina wuxuu u kala dhanbalmay labo gabal.
  2. Oo haddii ay [gaaladu] arkaan calaamo, waa sii jeesadaan oo yiraahdaan, “Waa sixir iska socda.”
  3. Waxay beeniyeen [xaqa] oo raaceen hawooyinkooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu sal dhigto oo ku sugnaado.
  4. Oo waxaa dhabtii ugu yimid [Qur’aankan dhexdi] warar ku dheehan waano [iyo digniino].
  5. Xikmad xeel dheer. Maxayse u taraysaa digidi [xaq diidyada]?
  6. Ee [Muxammadow] isaga jeedso [oo dhawr] maalinta uu dhawaaquhu ugu yeeri doono wax daran.
  7. Waxay durba ugasoo bixi doonaan iyagoo araggoodu dullaysan yahay qubuuraha iyagoo la moodo ayax faafay.
  8. Iyagoo u dagdagaya xagga dhawaaqaha, waxay gaaladu oran doonaan, “Tani waa maalin daran.”
  9. Waxaa [xaqa] beeniyay iyaga hortood qawmkii Nuux, waxay beeniyeen addoonkayagii oo yiraahdeen, “Waa waalan yahay,” oo la handaday.
  10. Markaasuu baryay Rabbigi [isagoo leh], “Waa la iga adkaadaye ee igargaar.”
  11. Markaas baan kula furnay albaabadii cirka biyo tiro badan.
  12. Oo ka burqinnay dhulka ilo [biyo ah], markaasay biyihii [cirka iyo dhulka] u kulmeen arrin la qaddaray.
  13. Oo waxaan ku qaadnay Nuux [doon] leh alwaax iyo masaamiir.
  14. Oo sabbaynaysa indhahayaga hoostooda, oo abaalgud u ah kii la diiday.
  15. Oo waxaan dhabtii uga tagnay calaamo ahaan, ee ma jiraa mid ku waantoobaya?
  16. Ee sidee [mid daran] u ahayd cadaabtaydii iyo digniinahaygii!
  17. Oo waxaan dhabtii ka yeelnay Qur’aanka mid sahlan si loo fahmo oo loo xuso, ee ma jiraa mid ku waantoobaya?
  18. Waxay beeniyeen [reer] Caad [rasuulkoodii Huud], ee sidee [mid daran] u ahayd cadaabtaydii iyo digniinahaygii.
  19. Waxaan ku dirnay korkooda dabayl daran maalin musiibo socoto ah.
  20. Iyadoo u majaxaabinaysa dadka sida timir jirrideedii la rujiyay.
  21. Ee sidee [mid daran] u ahayd cadaabtaydii iyo digniinahaygii?
  22. Oo waxaan dhabtii ka yeelnay Qur’aanka mid sahlan si loo fahmo oo loo xuso, ee ma jiraa mid ku waantoobaya?
  23. Waxay beeniyeen [reer] Thamuud digniinihii.
  24. Waxayna yiraadeen, “Ma nin kali ah oo naga mid ah baan raacaynaa? Markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo fogaansho.”
  25. “Ma waxaa lagu soo dajiyay wacdiga [Nabi Saalix] kaliya dhexdeenna inanga? Mayee, waa beenlaw khayr laawe ah.”
  26. Barri bay ogaan doonaan waa kuma beenaalaha khayrka daran!
  27. Waxaan u soo diraynaa hal imtixaan ahaan ee sug [Saalixow] oo sabar.
  28. Oo u sheeg in biyuhu yihiin kaltan dhexdooda ah [hasha iyo iyaga] mid walbaa leeyahay maalin gaar ah.
  29. Waxayse u dhawaaqeen rafiiqoodii, oo soo qaatay [seef] oo dilay [hashii].
  30. Ee sidee [mid daran] u ahayd cadaabtaydii iyo digniinahaygii!
  31. Waxaan xaqiiqdii ku dirnay sayxa kaliya [cadaab qaylo kaliya oo naxdin leh] oo noqdeen sida jabadka oodaha qarjajabadiisa.
  32. Oo waxaan dhabtii ka yeellay Qur’aanka mid sahal ah si loo fahmo oo loo xuso, ee ma jiraa mid ku waantoobaya?
  33. Waxay beeniyeen qawmkii Luud digniinihii.
  34. Waxaan xaqiiqdii ku dirnay dabayl dhagaxyo wadata [oo halaagtay iyagii oo dhan] reer Luud ma’ahee [ehelkiisii intii ka rumaysay] kuwaasoo aan badbaadinnay saacaddii u dambaysay ee habeenka.
  35. Nicmad ahaan xaggayaga ah, sidaas baan u abaal marinnaa kii shukriya.
  36. Oo wuxuu [Luud] dhabtii uga digay qawmkiisii qabashadayada daran, waxayse ka shakiyeen digniinihii.
  37. Oo waxay dhabtii dooneen inay xumeeyaan martidiisii [oo damceen inay fuulaan oo ku falaan khaniisnimo] markaas baan indha tirnay, [waxaana lagu yiri] “Dhadhamiya cadaabtayda iyo digniinahayga.
  38. Oo waxaa dhabtii ku waabariistay aroortii horaba cadaab sugan.
  39. [Waxaana lagu yiri] “Dhadhamiya cadaabtayda iyo digniinahayga.”
  40. Oo waxaan dhabtii ka yeellay Qur’aanka mid sahlan si loo fahmoo loo xuso, ee ma jiraa mid ku waantoobaya?
  41. Oo waxaa dhabtii u yimid qoladii Fircoon digniino.
  42. [Waxay] beeniyeen aayadahayagii oo dhan, markaas baan qabannay qabasho awood badane karaan badan.
  43. Ma gaaladiinna baa [Quraysheey] ka fiican kuwakani [ummadahii Nuux, Luud, Saalix, iyo qawmkii Fircoon ee la halaagay] mise waxaad ka haysataan cafis [cadaabtayada] oo idiin ku qoran Kutubaha Allaah soo dajiyay?
  44. Mise waxay leeyihiin, “Waxaannu innagu nahay kulan wayn oo guulaysan.”
  45. Waa la jabin doonaa kulankooda oo dabaday jeedin doonaan.
  46. Mayee, waa saacadda madashooda, oo saacaddaa sii daran oo kharaar.
  47. Xaqiiqdii mujrimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] waxay ku sugan yihiin baadi iyo fogaansho.
  48. Maalinta loogu jiidi doono Naarta gudaheeda waji wajiga [waxaa lagu oran doonaa] “Dhadhamiya taabashada Naarta.”
  49. Waxaan xaqiiqdii wax kasta ku abuurnay qadar [wax walba qaddarnay intaan la abuurin kahor, oo lagu qoray kitaabka qadarka, Lawxul Maxfuud].
  50. Oo amarkayagu ma aha waxaan ahayn sida ilbiriqsi.
  51. Oo waxaan dhabtii halaagnay kuwii idin lamidka ahaa ee ma jiraan wax ku waantoobaya.
  52. Oo wax kastoo ay faleen waxay ku qoran yihiin kutubta [camalkooda].
  53. Oo wax waliba yar iyo waynba waxay ku qoran yihiin [Lawxul Maxfuudka].
  54. Xaqiiqdii kuwa ka dhawrsada xumaha waxay gali doonaan beero iyo wabiyaal [Janno].
  55. Ku yaal rug rumeed [waa Jannada] oo udhaw Boqorka karaanka badan ee awooda wax walba [Allaah jalla jalaaluh].

Suuradda 55aad: Ar-Raxmaan

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Naxariistaha [Allaah].
  2. Wuxuu baray [dadka] Qur’aanka.
  3. Oo abuuray Aadamaha.
  4. Wuxuuna baray hadalka.
  5. Qorraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab.
  6. Oo xiddigaha iyo geeduhuba waa sujuudaan.
  7. Oo cirka waa uu kor yeelay, oo wuxuu dhigay miizaanka.
  8. Si aydaan ugu dulun falin miizaanka.
  9. Oo u hagaajiya miizaanka si caadil ah, oo ha dhimina miizaanka.
  10. Dhulkana wuxuu u dhigay uumanka.
  11. Dhexdiisa waxaa ah faakihooyin iyo geedo timir fiido leh.
  12. Iyo miro bal leh [xooluhu daaqaan] iyo dhir udug wanaagsan leh.
  13. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin [jinka iyo dadkow] beeninaysaan?
  14. Wuxuu ka abuuray dadka [Aadam] dhoobo jilay oo kale ah.
  15. Jinkana wuxuu ka abuuray ololka dabka.
  16. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  17. [Allaah waa] Rabbiga labada qorrax kasoo bax iyo Rabbiga labada qorrax u dhac.
  18. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  19. Wuxuu sii daayay oo daris ka yeelay labada badood [badda biyaha macaan iyo badda biyaha dhanaan] iyagoo wada kulmaya.
  20. Dhexdoodase waxaa ah xannib, iskumana xad gudbaan.
  21. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  22. Waxaa kasoo baxa [labada badood] luul iyo jawhar.
  23. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  24. Oo [Allaah] baa iska leh doomaha ku socda badda ee buuraha la moodo.
  25. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  26. Dhammaan waxa [dhulka] korkiisa ah waa halaagsamayaan.
  27. Waxaase haraya wajiga Rabbigaa haybadda iyo sharafta badan.
  28. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  29. Waxaa waydiista [baahidooda] waxa ku sugan cirarka iyo dhulka, maalin walbaa wuxuu leeyahay arrin uu bannaanka keeno.
  30. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  31. Waa idin xisaabin doonnaa [labadiinna qolooy [jinka iyo dadka],
  32. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  33. Kulanka Jinka iyo Insigow! Haddii aad kartaan inaad ka baxdaan jihooyinka cirarka iyo dhulka ka baxa, kama bixi kartaan amar la’aan.
  34. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  35. Waxaa la idinku soo diri doonaa olol naar ah iyo maar [la dhalaaliyay], mana guulaysanaysaan.
  36. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  37. Marka ay samadu dillaacdo, oo ay noqoto sida ubax gaduudan sida idiinta [maaska, markaas baa dadka la abaal marin].
  38. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  39. Maalintaas waxba lagama waydiin doono Insi iyo Jinba danbigooda [waayo waxaa durba laga ogaan oo ay ka muuqan wajiyadooda oo kala noqon caddaan ama madow].
  40. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  41. Mujrimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha iyo wixi lamida] waxaa lagu aqoonsan doonaa astaamahooda [wajiyo madmadow], oo waxaa laga qaban doonaa foodaha iyo dhaadadka [oo Naarta lagu tuuri doonaa].
  42. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  43. Tanu waa Naartii ay beeniyeen danbiilayaashu.
  44. Waxay ku meeraysan doonaan dhexdooda iyada [Naar] iyo biyaha kulul ee karaya.
  45. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan.
  46. Kiise cabsi ku hor istaaga Rabbigi, waxaa u sugnaaday labo beerood [Janno].
  47. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  48. Oo leh laamo fidiya.
  49. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  50. Dhexdooda [labadaa beerood] waxaa ah labo ilood oo [iska] socda.
  51. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  52. Dhexdooda [labadaa beerood] waxaa ah nooc kasta oo faakiho ah [labo nooc].
  53. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  54. Waxay ku dangiigsan doonaan [ehlu Jannuhu] firaashyo cudbigoodu xariir yahay, oo miraha labadaa beerood waa kuwo u dhaw gacmaha.
  55. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  56. Waxaa ku sugan [beeraha iyo firaashyadaa] dumar xuurul-cayn ah oo ku gaabiya milicsigooda nimankooda kaliya, kuwaa oo aysan jin ama insi taaban [kaga furin xuubka bikaaradooda galmood] iyaga hortood.
  57. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  58. [Qurux ahaan] waa sida dheemanka iyo luulka.
  59. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  60. Samaan abaalkeedu ma waxaan ahayn baa samaan?
  61. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  62. Oo barbarkooda labadatani beerood, waxaa ah labo beerood oo kale [Jannada gudaheeda].
  63. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  64. Madow cagaaran ah [midab ahaan].
  65. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  66. Dhexdooda [labadan beerood] waxaa ah labo ilood oo burqanaya.
  67. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  68. Waxaa dhexdooda ah [labada beerood] faakiho, timir iyo rummaan.
  69. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  70. Dhexdooda waxaa ah oo ku sugan [beerahaa xaasas] khayr qabooyin ah [xuurul-cayn] qurux loo dhammeeyay.
  71. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  72. Xuurul-cayn ku kooban oo aan ka bixin khaymadahooda [guryahooda].
  73. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  74. Oo aysan Jin iyo Insi taaban [ku furin xuubka bikaaradooda galmood] iyaga hortood.
  75. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  76. Ku dangiigsan barkimo cagaaran iyo gogol qurux badan.
  77. Ee tee baad nicmooyinka Rabbigiin beeninaysaan?
  78. Waxaa khayr iyo barako badnaaday magaca Rabbigaa [Allaah], waynaha sharafta badan.

Suuradda 56aad: Al-Waaqicah

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Markii ay dhacdadu [Qiyaamadu] dhacdo.
  2. Ma jiraan wax dhiciddeeda beenin karaa [ama baajin kara].
  3. Waxay hoos u dhigi doontaa [qaar, oo qaar kale] way kor yeeli doontaa.
  4. Marka dhulka la gilgilo gilgilid daran.
  5. Oo buuraha la ridqiyo heer lala simo ciidda.
  6. Oo ay noqoto boor firdhisan.
  7. Oo aad noqotaan saddex nooc [yacni saddex kooxood oo kala duwan].
  8. Marka kuwa ah gacanta midig [waa kuwa lagu siin doono Kitaabkooda gacmahooda midig]. Yay ahaan doonaan kuwa ah gacanta midig?
  9. Iyo kuwa ah gacanta bidix [waa kuwa lagu siin doono Kitaabkooda gacmahooda bidix]. Yay ahaan doonaan kuwaa ah gacanta bidix?
  10. Iyo kuwa u dheereeya sama falka.
  11. Kuwakan baa ahaan doona kuwa ugu dhow Allaah.
  12. Waxaa la galin doonaa beero barwaaqo ah.
  13. Kulan kamid ah kuwaa [u dheereeya khayrka] waxay ahaan doonaan qaar kamid ah facyadii koowaad [ee soo galay Islaamka].
  14. Oo xoogaa kamid ah kuwaa [u dheereeya khayrka] waxay ahaan doonaan qaar kamid ah facyada waayo dambe.
  15. [Waxay ahaan doonaan] sariiro korkooda, ka sameysan dahab iyo dheemman.
  16. Iyagoo ku dangiigsan korkeeda, iyagoo is qaabilaya.
  17. Waxaa u adeegi doona wiilal waaraya, kuwaa oo kula wareegi doono,
  18. Koobab iyo kirliyo iyo galaasyo khamro macaan socda ah,
  19. Khamradaa oo ayan ka qaadi doonin innaba ha le’ekaatee wax madax wareer ah iyo sarkhaannimo.
  20. Iyo faakiho wixii ay doortaan ah.
  21. Iyo hilib shimbiro kii ay rabaanba.
  22. Oo [waxaa halkaa ahaan doona] xuurul-cayn.
  23. La moodo luul la dhowray.
  24. Waa abaalgud wixii ay camal san fali jireen darteed.
  25. Wax laqwi [hadal wasakh ah, been, af lagaaddo] kuma maqli doonaan dhexdeeda [Jannada] iyo wax hadal danbaabid ah midna.
  26. Waxayse ku maqlayaan salaam dhexdooda ah.
  27. Oo kuwaa ah gacanta midig. Yay ahaan doonaan kuwa ah gacanta midig?
  28. [Waxay ku sugnaan doonaan] gobaan qodax lahayn.
  29. Dalxi [geedo moos] leh miro korooran.
  30. Iyo hoos fidsan.
  31. Iyo biyo u socda joogto.
  32. Iyo faakiho tiro badan.
  33. Oo aan xilli ku xirnayn, marnaba aan go’ayn, mamnuucna ahayn.
  34. Iyo sariiro [gogollo] la kor yeelay.
  35. Waxaan annagu abuurnay iyaga [xuurul cayntaa] abuuris gaar ah.
  36. Oo ka dhignay bikrooyin.
  37. Gacalooyin isku da’ ah.
  38. Oo ay leeyihiin kuwa ah [gacanta midig].
  39. Kulan kamid ah kuwaa [ah gacanta midig] waxay ahaan doonaan facyadii hore [ee soo galay Islaamka].
  40. Oo kulan kamid ah kuwaa [ah gacanta midig] waxay ahaan doonaan [facyada] waayadii dambe.
  41. Oo kuwa ah gacanta bidix. Maxay ahaan doonaan kuwaa ah gacanta bidix?
  42. Dabayl kulul oo daran iyo biyo karaya dhexdooda.
  43. Iyo hoos madow oo qaac ah.
  44. Oo aan lahayn qabow iyo har wanaagsan midna.
  45. Waxay xaqiiqdii iyagu ahaayeen taa horteed kuwo loo raaxeeyay.
  46. Oo waxay ku adkaysan jireen danbi wayn [shirkiga iyo macaasida].
  47. Oo waxay oran jireen, “Ma markii aan dhimanno oo noqonno ciid iyo lafo, miyaa nala soo bixin doonaa?”
  48. “Iyo sidoo kale aabbayaashayadii hore?”
  49. Dheh [Muxammadow], “Xaqiiq, kuwii hore iyo kuwa dambaba.”
  50. “Waxaa hubaashii loo soo kulmin doonaa wada jir madal maalin la yaqaan.”
  51. “Markaas idinka dhunsanayaasha ahow, beeniyayaasha ah [beeniya soo bixinta iilka la iska soo saari doono iyo jaazaynta].”
  52. “Waxaad wax ka cuni doontaan geedaha Zaqquum.”
  53. “Oo waxaad kala buuxin doontaan caloolihiinna geedkaa.”
  54. “Oo ku cabbi doontaan biyo kulul oo karaya.”
  55. “Oo u cabbi doontaan sida geel asqoobay.”
  56. Waa kaas martiqaadkooda Maalinta Jaazaynta.
  57. Annaga baa idin abuurnaye maxaad la rumayn waydeen [soo bixinta iilka layska soo saarayo?]
  58. Bal ka warrama biyaha shahwada aad soo tuurtaan.
  59. Ma idinka baa kuwa abuura mase annaga baa abuurra?
  60. Annaga baa idiin qaddarnay dhimashada idinkoo dhan, oo ma nihin kuwo aan karin.
  61. Inaan idin dhalan rogno oo aan idiin abuurno [qaabab iyo suurado] aydaan ogayn.
  62. Oo waxaad dhabtii horay u ogaateen abuuristii hore [waa abuuristii Aadam], ee mawaydaan waantoobayn?
  63. Bal ka warrama waxa aad beeraysaan?
  64. Ma idinka baa soo bixiya, mise waa annaga kuwa soo bixiya?
  65. Haddii aan doonno, waxaan ka dhigi karnaa xaabo engagan, oo waxaad noqonaysaan kuwa ka xun [ama looga tago murugo iyo ciil].
  66. [idinkoo leh,] “Waxaynu nahay dhab ahaan kuwo la khasaariyay oo tacabkood ba’ay.”
  67. “Mayee, waxaynu nahay kuwa la hoojiyay.”
  68. Bal ka warrama biyaha aad cabtaan.
  69. Ma idinka baa kasoo dajiyay daruurta mise annaga baa soo dajinnay?
  70. Haddii aan doonno waxaan ka dhigi karnaa jaan dhanaan oo milix ah [oo aan la cabbi karin], ee maad ku mahdisaan [Alle].
  71. Bal ka warrama dabka aad madagta ka shiddaan.
  72. Ma idinka baa abuuray geedkiisa mise waa annaga kuwa abuuray?
  73. Annaga baa ka yeellay xusuus [lagu xusuusto Naarta Aakhirada] iyo wax ay ku intifaacaan kuwa safarka ah [iyo dhammaan inta kale ee jooga adduunkan].
  74. Ee kula tasbiixso ammaano magaca Rabbigaa wayn.
  75. Ee waxaan ku dhaartay rugaha [halkay ku dhacaan ama ku wareegaystaan] xiddigaha.
  76. Oo xaqiiqdii, taasu waa dhaar wayn, waase haddii aad ogtihiin.
  77. [Kani] waa Qur’aan sharaf badan.
  78. Wuxuu ku yaal Kitaab la dhowray [Looxul Maxfuudka].
  79. Oo ma taabto ruux aan daahir ahayn.
  80. Waa soo dajinta Rabbiga uumanka.
  81. Ma hadalkan [Qur’aanka] baad beeninaysaan?
  82. Oo halkii aad [Allaah uga mahdin lahaydeen] gallada iyo riziqa uu idiin siiyay, si taa ka duwan aad beenisaan [ku gaalowdaan]?
  83. Maxaydaan marka ay [naftu] dhuunta gaarto.
  84. Idinkuna markaas aad fiirinaysaan [ruuxa dhimanaya].
  85. Annaga baase [yacni malaa’igtayada ka qaadaysa nafta] baa idiinkaga dhow idinka, laankiinse aydaan arkaynin.
  86. Ee haddii aad tihiin kuwo laga cafiyay xisaabinta iyo jaazaynta.
  87. U soo celiya nafta [jirkeedii] haddii aad run sheegaysaan?
  88. Haddii uu [qofkaasi dhimanaya] kamid yahay kuwa Allaah u dhow oo daacadda u ah.
  89. [Wuxuu leeyahay] raaxo iyo riziq, iyo beer barwaaqo ah [Janno].
  90. Oo haddii uu [qofkaa] kamid yahay ehlu midigta.
  91. Nabad galyo baa u sugnaatay [iyo wanaag] kuwa ehlu midigta ah.
  92. Haddiise uu [qofkaa dhimanaya] ka mid yahay kuwa [xaqa] beeniya ee dhunsan.
  93. Waxaa lagu soorayaa biyo kulul oo karaya.
  94. Iyo galidda Naarta dabka ah.
  95. Xaqiiqdii tani hubaashii waa run dhab ah.
  96. Ee ku tasbiixso magaca Rabbigaa wayn.

Suuradda 57aad: Al-Xadiid [Birta]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waxaa Allaah nazaha oo ammaana wax waliba oo ku sugan cirarka iyo dhulka, oo waa Isaga adkaadaha xikmadda badan.
  2. [Allaah] baa iska leh mulkiga cirarka iyo dhulka, oo waa isaga kan bixiya nolosha oo sababa dhimashada, oo isaga baa wax waliba kara.
  3. Waa isaga Awalka [ma jiro wax ka horreeyay] iyo Aakhirka [ma jiro waxna isaga kaddib], iyo Sarreeyaha [ma jiro axad ka sarreeya] iyo dhowaan badnaha [ma jiro axad ka dhowaansho badan], oo wax walba isaga baa og.
  4. Waa isaga kan ku abuuray cirarka iyo dhulka lix maalmood, oo dabadeed istawaa [ka kor ahaaday] Carshiga [si ku habboon oo u qalanta waynida iyo sharaftiisa]. Wuxuu og yahay waxa gala dhulka iyo waxa kasoo baxa, waxa kasoo daga cirka iyo waxa kor u fuula, oo wuxuu idinkula joogaa [Cilmigiisa] meel aad joogtaanba, oo Allaah waxa aad falaysaan waa arkaa.
  5. Isaga baa leh mulkiga cirarka iyo dhulka, oo xagga Allaah baa loo celiyaa umuuraha oo dhan.
  6. Wuxuu galiyaa habeenka maalinta, oo wuxuu galiyaa maalinta habeenka, oo waa og yahay wax kasta oo ku jira laabaha.
  7. Rumeeya Allaah iyo rasuulkiisa [Muxammad] oo wax ka bixiya waxaa uu idiinka dhigay wakiillo [maamulkiisa oo idiin dhiibay] oo kuwaa idin kamid ah ee rumeeya [Allaah] oo wax ku bixiya [Jidka Allaah] waxay leeyihiin ajar wayn.
  8. Oo maxaad leedihiin idinku oo aad la rumeyn waydeen Allaah, isagoo rasuulku [Muxammad] idiinku yeerayo inaad rumaysaan Rabbigiin, oo wuxuu [Allaah] dhabtii idinka qaaday ballan, haddii aad tihiin mu’miniin.
  9. [Allaah] waa kan kusoo dajiyay aayado cadcad addoonkiisa [Muxammad] si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka, oo xaqiiqdii, Allaah waa idiin turid iyo naxariis badan yahay.
  10. Oo maxaad leedihiin idinku oo wax ugu bixin waydeen arrinka Allaah? Oo Allaah baa leh dhaxalka cirarka iyo dhulka. Lama sinna kuwiinna idin kamid ka ah ee wax bixiyay oo diriray ka hor furashadii Makka [kuwiinna idin kamid ahee sidaa falay waa dambe]. Kuwaasi [hore] baa ka sarreeya darajo ahaan kuwa wax bixiyay oo jahaaday Makka furashadeedii kaddib, oo dhammaan wuxuu Allaah u yaboohay [ajar kan] u wanaagsan, oo Allaah waxa aad falaysaan waa u xog ogaal.
  11. Waa kuma kan amaahinaya Allaah amaah wanaagsan, markaas uu [Allaah] u labolaabo, oo heli doona ajar wanaagsan [waa Janno]?
  12. Maalinta aad arki doontaan mu’miniinta iyo mu’minadaha oo nuurkooda socdo hortooda iyo midigtooda, [waxaa lagu oranayaa] “Ku bishaaraysta maanta beero ay wabiyadu hoos qulqulayaan [Janno],” iyagoo ku waaraya dhexdeeda, taasi waa liibaanta wayn.
  13. Maalinta ay munaafiqiinta iyo munaafaqaduhu ku oran doonaan mu’miniinta, “Na suga oo noo oggolaada inaan wax ka qaadanno nuurkiinna.” Waxaa la oran doonaa, “Dib ugu noqda gadaashiinna, markaas dalba nuur.” Markaas baa darbi la yeeli doonaa dhexdooda, leh albaab, gudahiisa yahay naxariis, oo debedkiisa yahay cadaab.
  14. [Munaafiqiintu] waxay u dhawaaqi doonaan mu’miniinta, “Sow ma aannan ahayn la jirkiinna idinka?” Mu’miniintu waxay ku jawaabi doonaan, “Haah, laakiinse waxaad balayseen naftiinna, oo dhibaato la jecleysateen [diinta iyo ehelkeeda], waxaad ka shakideen [iimaanka] oo waxaa idin hoday hawooyin been ah jeer amarkii Allaah u yimid inuu fiilo, oo waxaa [Allaah] idinku hoday [kan hodidda iyo dhagarta badan [Shaydaan].”
  15. “Marka maanta furasho la idinkama qaadanayo idinka [munaafiqiinta ah] iyo kuwa gaaloobay midna, hoygiinnu waa Naarta, iyada baa ah mudankiinna, oo halka ugu xun ah meel la ahaado.”
  16. Ma waan la joogin waqtiga qalbiyada kuwa [xaqa] rumeeyay ay ahaadaan kuwo u khushuuca waanada Allaah [Qur’aankan] iyo waxaa loo soo dajiyay oo xaqa ah, si ayan u noqon sidii kuwii la siiyay Kitaabka [Towraadda iyo Injiilka] awal hore [waa Yuhuudda iyo Nasaarada], oo muddadu ku dheeraatay oo sidaa darteed qalbiyadoodu qallaleen? Oo in badan oo kamid ah waa faasiqiin.
  17. Ogaada inuu Allaah siiyo nolol dhulka dhimashadiisa kaddib. Waxaan dhabtii ka yeelnay wax cad aayadaha bal inaad wax garataan.
  18. Xaqiiqdii, kuwa bixiya sadaqaatka [waa zakada iyo sadaqada iyo wixi lamida], rag iyo haweenba, oo amaahiya Allaah amaah wanaagsan, waa loo labalaabi doonaa, waxayna leeyihiin ajar wanaagsan.
  19. Kuwa rumeeyay Allaah iyo rusushiisa, kuwaasu waa siddiqiinta [yacni kuwii ugu horreeyay ee raaca Nabiyada ee u horeeyay wax rumeeya], shuhadadana Rabbigood agtiis waxay leeyihiin ajarkooda iyo nuurkooda. Kuwase ku gaalooba [xaqa] oo beeniya aayadahayaga, kuwaasi waa ehelka Naarta huraysa.
  20. Ogaada inay nolosha adduunku tahay oo kaliya cayaar iyo madaddaalo iyo isqurxin iyo isu faanid dhexdiinna ah iyo ku tartan maal iyo carruur, oo waa sida naqa soo baxa roob kaddib, oo bixiddiisu tahay mid farax galisa tallaalayaasha beeraha, misna qallasha oo aad aragto iyada oo isu beddeleysa caddaan, misna noqota xaabo. Aakhiradase [waxaa jira] cadaab daran [oo ay leeyihiin xaqdiidyada iyo xumaan falayaasha] iyo danbi dhaaf xagga Allaah ah iyo raallinnimadiisa [oy leeyihiin mu’miniinta sama falayaasha]. Nolosha adduunkuna ma aha waxaan ahayn oo kaliya raaxo wax hodaysa.
  21. U tartama idinkoo u degdegaya danbi dhaaf ah xagga Rabbigiin iyo Janno ballaceedu yahay ballaca cirka iyo dhulka, loo diyaariyay kuwa rumeeyay Allaah iyo rusushiisa. Kaasi waa fadli Allaah uu siiyo ciddii uu doono, oo Allaah waa kan iska leh fadliga wayn.
  22. Ma jirto masiibo ku dhacda dhulka ama nafahiinna oo aan ku qornayn Kitaabka Qaddarka [Lawxul Maxfuud], ka hor inta aannaan keenin ifka. Xaqiiqdii taasi waa wax u fudud Allaah.
  23. Si aydaan uga murugoon wixii arrin ah oo idin dhaafa [seega oo aydaan helin ama ku guulaysan], uguna aydaan farax taraarin [farax faan iyo kibir ah] wixii la idin siiyay, oo Allaah ma jecla faanayaasha isqaadqaada.
  24. Kuwaa ah bakhayllada oo ku faral yeela dadka bakhaylnimada [Allaah waa ka deeqtoon yahay oo uma baahna sadaqadooda iyo wax bixintooda], oo kii ka jeesada [iimaanka iyo camallada wanaagsan] Allaah waa Qani [ka deeqtoon wax waliba] mudan ammaan idilkeed.
  25. Waxaan dhabtii la soo dirnay rusushayadii xujooyin cadcad, waxaana usoo dajinnay Kitaabka iyo miizaanka [caddaalad], si uu dadku ugu tooso oo u dhowro caddaaladda, oo waxaan soo dajinnay birta oo quwad wayni ku jirto [xagga arrimaha dagaalka] sidoo kale u leh manaafacaad dadka, si uu Allaah u muujiyo kii ugu gargaaraya isaga [yacni Diinta Ilaahay] iyo rusushiisa Ghaybka [maqnaanta, macnaha iyagoo aan arag]. Xaqiiqdii Allaah waa xoog badane, awood badan.
  26.  Oo waxaan dhabtii soo dirnay Nuux iyo Ibraahiim, waxaana yeellay carruurtoodii dhexdooda nabinnimada iyo Kitaabka, oo waxaana kamid ah kuwo hanuunay, intooda badanse waa faasiqiin.
  27. Markaas baan waxaan raacinnay gadaashood rusushayadii, waxaana raacinnay Ciisaa wiilkii Maryam, oo siinnay Injiilka, oo waxaan yeellay qalbiyada kuwii raacay isu danqasho iyo naxariis, waxayse unkadeen suufinnimo [adduun ka jeedsi] ay iyagu billowdeen aan Annagu ku waajibin, laakiinse iyagaa [dalbay] oo kaliya si ay ugu raalli galiyaan Allaah, mase ay ilaalin dowgii ay lahayd. Markaa baan siinnay kuwoodii ka mid ahaa ee rumeeyay ajarkoodii [ay mudnaayeen], intooda badanse waa faasiqiin.
  28. Kuwa rumeeyow [Muusaa, waa Yuhuudda, iyo Ciisa, waa Nasaaraada] ka cabsada Allaah oo rumeeya sidoo kale rasuulkiisa [Muxammad] Allaah wuxuu idin siin doonaa labo saami oo naxariistiisa ah, oo wuxuu idin siin doonaa Nuur aad ugu socon doontaan [si toosan] oo wuu idiin danbi dhaafi doonaa, oo Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  29. Waa inay ogaadaan ehlu-Kitaabka [Yuhuudda iyo Kirishtaha] inaysan karin inay hantaan fadliga Alle, iyo in fadli oo dhan uu ku jiro gacanta Alle, wuxuuna siiyaa ciddii uu doono, oo Allaah waa kan iska leh fadliga wayn.

Suuradda 58aad: Al-Mujaadilah [Haweentii Doodeysay]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Wuxuu dhabtii Allaah maqlay hadalka tii kaagala doodaysay [Muxammadow] arrinkii ninkeeda oo u dacwoonaysay Allaah, Allaahna waa maqlayay dooddiinna, xaqiiqdii Allaah waa maqal badane, arkid badan.
  2. Kuwa idin kamid ah ee kala mid dhiga xaasaskooda hooyooyinkood oo kale dihaar ahaan, [isagoo ku oranaya xaaskiisa, “Hooyaday baa iga tahay.”] Sidaas kuma noqon karaan hooyooyinkood, oo hooyooyinkood ma aha waxaan ahayn kuwii dhalay. Kuwaasina waxay ku hadlayaan hadal xun oo munkar ah iyo been, oo xaqiiqdii Allaah waa cafis badane, danbi dhaaf badan.
  3. Kuwa iska xaaraameeya afooyinkooda [hab dihaar ah iyagoo midkood ku oranayo xaaskiisa hooyaday baad iga tahay], oo raba inay ka noqdaan wixii ay ku hadleen, [eedsiinta arrinkaa iyo waxa laga rabo si ay afadiisu ugu xalaalowdo] waa xorayn addoon, inta aysan is taaban isaga iyo afadiisa, taasi waa waano [si aydaan ugu laaban dib dambe waxaa xun oo kale], oo Allaah waxa aad falaysaan waa u xog ogaal.
  4. Kii isagu aan helin [qoor addoon uu xoreeyo] waa inuu soomo labo bilood oo xiriir ah ka hor inta aysan is taaban [isu tagin isaga iyo afadiisa], oo xagga kii asagu aan awoodin inuu falo sidaa [yacni inuu soomo labo bilood oo xiriir ah, da’ ama cudur ama sabab sharci ah oo kale awgeed] waa inuu quudiyaa lixdan miskiin. Sidaasi waa si aad u rumaysaan Allaah iyo Rasuulkiisa. Kuwakani waa xuduudaha uu dhigay Allaah. Gaaladuna waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.
  5. Xaqiiqdii, kuwa ka hor yimaada Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad] waa la dullayn doonaa, sidii kuwii ka horreeyay [ee kamid ahaa ummadihii hore] loo dulleeyayba, oo waxaan dhabtii soo dajinnay aayado cadcad, oo gaaladu waxay leeyihiin cadaab dullaysa.
  6. Maalinta uu Allaah soo bixin doono iyagoo dhan [Maalinta Qiyaamaha] ugana warrami doonaa wixii ay faleen. Allaah waa uu koobay tiradooda, halka ay iyagu halmaameen, oo Allaah wax walba waa arkaa.
  7. Ma waadan ogaan inuu Allaah og yahay waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka? Ma jirto saddex faqaysa oo uusan isagu ahayn kooda afraad [wuxuu kula jiraa oo uu kula joogaa cilmiga iyo ogaalkiisa, isagoo naf ahaantiisa ka kor ah Carshiga, ka korreeya toddobada samo], oo ma jiro shan uusan ku ahayn kooda lixaad, oo ma jiraan wax intaas ka yar ama ka badan uusan isagu kula joogin [Cilmigiisa oo uusan ka war qabin], meel ay joogaanba, wuxuuna uga warrami doonaa wixii ay camal faleen Maalinta Qiyaamo. Xaqiiqdii Allaah wax waliba waa og yahay.
  8. Ma waadan ogayn kuwa laga reebay faqa xun, oo misna ku noqonaya wixii laga reebay, oo ku faqaya danbi iyo cadaawad iyo ku caasinta Rasuulka [Muxammad], markayna kuu yimaadaan waxay kugu salaamaan wax uusan Allaah kugu salaamin, oo ku yiraahdaan nafahooda, “Muxuu Allaah noogu cadaabi waayay waxa aan leennahay?” Waxaa ku filan Naarta Jahannamo ay gali doonaan, oo aayo xun.
  9. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Marka aad faqaysaan, haku faqina danbi iyo dulmi fal iyo ku caasinta Rasuulka [Muxammad] ee ku faqa bir [samaan] iyo taqwo [toosnaan iyo suubbanaan] oo ka cabsada Allaah ee la idiin soo kulmin doono xaggiisa.
  10. Sideedaba faqa xun waa arrin uu ka dambeeyo Shaydaan, si uu u murug galiyo kuwa [xaqa] rumeeyay, waxbase ma uu yeeli karo haba yaraatee wuxuu Allaah idmo maahee, oo Allaah ha talo saarteen mu’miniinta.
  11. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Marka la idin ku yiraahdo, “Isu waasiciya fadhiga,” isu waasiciya Allaah ha idiin waasiciyee [naxariistiisa]. Oo marka la idin ku yiraahdo ukaca [salaad, Jihaad ama camal kale oo wanaagsan] u kaca, Allaah kor buu u qaadi doonaa darajo iyo meeqaanba kuwiinna idin kamid ah ee [xaqa] rumeeyay, kuwa cilmiga la siiyayna wuxuu kor yeelaa darajooyin, oo Allaah waxa aad falaysaan waa u xog ogaal.
  12. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Marka [aad doonaysaan] inaad la qaadataan Rasuulka [Muxammad] kulan gaar ah, u bixiya wuxuun sadaqo ahaan ka hor la kulankiinna gaarka ah. Sidaas baa idiin khayr badan oo idiin daahirsan. Haddiise aydaan helin [wax aad bixisaan], xaqiiqdii Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  13. Ma waxaad ka walaacdeen inaad la baxdaan sadaqooyin ka hor la kulankiinna gaarka [ee Nabiga]? Haddii aydaan sidaas falin, Allaah waa idin ka toobad aqbalay ee u ooga salaadda si wanaagsan oo bixiya zakada oo adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa, oo Allaah waa ka war hayaa waxa aad falaysaan.
  14. Ma waadan [Muxammadow] ogaan kuwaa [munaafiqiinta] ah ee ka yeesha saaxiibbo qoom Allaah u carooday [waa Yuhuudda]? Ma aha kuwo idin ka tirsan idinka [Muslimiintoy] oo kama tirsana iyaga [Yuhuudda], oo waxay ku dhaartaan been iyagoo ogsoon.
  15. Allaah wuxuu u diyaariyay cadaab daran, xaqiiqdii waa wax xun waxa ay iyagu falaan.
  16. Waxay ka dhigtaan dhaarahooda gaashaan [ay dadka kaga qariyaan camalladooda xun], markaasay ka hor istaagaan oo ka duwaan [dadka] jidka Ilaahay, waxayna leeyihiin cadaab dufaysa.
  17. Maalkooda iyo caruurtoodu wax ugama tari doonaan Allaah xaggiisa, kuwaasi waa ehlu Naar, waana ku waari doonaan gudaheeda waligood.
  18. Maalinta uu Allaah soo bixin doono iyagoo dhan [si loo xisaabiyo], markaas bay u dhaaran doonaan [Allaah] sida ay idiin ku dhaartaanba idinka [Muslimiintoy], oo waxay moodaan inay haystaan wax uun [ay lasoo shir tagi karaan], xaqiiqdii waa beenalayaal.
  19. Waxaa duufsaday Shaydaan oo ka qaalib noqday, markaasuu hilmaansiiyay xusidda Allaah, kuwaasu waa xizbiga Shaydaanka, xaqiiqdii waa xizbiga Shaydaanka kuwa khasaaray.
  20. Kuwa khilaafa Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad] kuwaasu waxay kamid ahaan doonaan kuwa aad loo dulleeyay.
  21. Allaah wuxuu gaddoomiyay, “Xaqiiqdii waa Aniga iyo Rusushayda kuwa adkaan doona.” Xaqiiqdii Allaah waa xoog badane adkaade ah.
  22. Ma helaysid [Muxammadow] qolo rumaysan Allaah iyo Maalinta Dambe [Qiyaamaha] oo haddana jecel kuwa khilaafa Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad] haba ahaadeen aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama [reer] qaraabadooda ah, kuwan wuxuu [Allaah] ku qoray iimaan qalbiyadooda, oo ku xoojiyay ruux [xujooyin, nuur, iyo hanuun dhab ah] oo xaggiisa ah, oo wuxuu galin doonaa beero [Janno] ay hoostoodu wabiyo qulqulayaan ay ku waari doonaan waligood. Allaah baa ka raalli noqday, iyaguna waa ka raalli noqdeen. Kuwaasu waa xizbiga Ilaahay, xaqiiqdii xizbiga Ilaahay waa kuwa liibaanay.

Suuradda 59aad: Al-Xashar [Kulmintii]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan

  1. Waxaa Allaah nazaha oo wayneeya waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka, oo waa Isaga awood badanaha, xikmadda badan.
  2. Waa isaga kan ka saaray kuwii gaaloobay ee kamid ahaa ehlu Kitaabka [Yuhuuddii Banii Nadiir] guryahoodii kulmintii hore. Ma aydaan moodayn inay bixi doonaan, oo waxay iyaguna u maleeyeen in dhufaysyadooda ka celinayaan Allaah. Wuxuuse [cadaabkii] Allaah uga yimid meel aysan filayn, oo wuxuu [Allaah] ku tuuray argagax qalbiyadooda, sidaa awgeed waxay ku baabbi’iyeen guryahoodii gacmahooda iyo gacmaha mu’miniinta, ee waana qaata ciddii leh indho ay wax ku aragtoy.
  3. Oo haddii aysan ahaan lahayn in Allaah uu u qoray saaridda, wuxuu hubaashii ku cadaabi lahaa adduunkan, oo Aakhirada waxay leeyihiin cadaabta Naarta.
  4. Sidaas waxaa u sabab ah waxay khilaafeen Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad], oo kii khilaafa Allaah, xaqiiqdii Allaah waa ku daran yahay ciqaabta.
  5. Wixii aad [Muslimiintoy] goysaan oo geedo timireedka [cadawga] ah ama aad ka tagtaan iyagoo ku taagan jirridahooda, waa idanka Allaah, iyo si uu u dufeeyo faasiqiinta.
  6. Oo wixii maal ah oo Allaah Rasuulka ugasoo celiyo gaalada isagoo aan qaadin duullaan oo ku dagaal galin fardo ama rakuub midna [waxaa amarkiisa leh Rasuulka]. Laakiinse Allaah wuxuu ku sallidaa Rusushiisa ciddii uu doono, oo Allaah wax walba waa awoodaa.
  7. Wixii [maal] ah uu Allaah kusoo celiyo Rasuulkiisa [Muxammad] oo kaga yimaada degmooyinka dadkooda, waxaa leh Allaah, Rasuulkiisa [Muxammad], qaraabada [Rasuulka Muxammad], agoomaha, masaakiinta iyo tub ku joogaha, si uusan [maalku] u noqon wax ku wareegaysta oo keliya kuwa hodanka ah dhexdood. Wixii uu Rasuulku [Muxammad] dadka siiyo ama amro waa inay qaataan, oo wuxuu ka reebo waa inay ka joogaan, oo ka cabsada Allaah, xaqiiqdii Allaah waa ku daran yahay ciqaabta.
  8. [Oo waxaa maalkaas wax ku leh] Muhaajiriinta saboolka ah ee laga soo saaray guryahoodii iyo maalkoodii iyagoo ka dalbaya fadli xagga Allaah iyo raallinimo, oo u gargaaraya Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad] waana kuwaas kuwa ka run sheegay [iimaankooda].
  9. Oo kuwa hortood iyaga ku lahaa guryaha [Madiina, Ansaartaa loola jeedaaye] ee [xaqa] rumeeyay, waxay jecel yihiin kuwa usoo haajiray xaggooda, oo uguma hayaan wax gocasho ah laabahooda wixii laga siiyay Muhaajiriinta [qaniimadii dagaal la’aanta looga helay Yuhuuddii Banii Nadiir] oo waxay ka hormariyaan [oo uga dooraan] iyaga [Muhaajiriinta] nafahooda, in kastoo ay ahaayeen [Ansaartu] kuwa u baahnaa waxaa, oo kii laga dhawro damaca iyo lixi jecladiisa, waa kuwaas kuwa liibaanay.
  10. Oo kuwaa imaan doona [asxaabta Nabiga] gadaashood, waxay yiraahdaan, “Rabbiyow! Noo danbi dhaaf innaga iyo walaalahayagii nooga horreeyay iimaanka, oo ha u galin quluubtayada wax nacayb ah kuwa [xaqa] rumeeyay. Rabbiyow! Waxaad tahay adigu turid badane, naxariis badan.
  11. Ma waadan [Muxammadow] ogaan in munaafiqiinta ku yiraahdaan walaalahood kuwii gaaloobay ah oo kamid ah ehlu-Kitaabka [waa Yuhuudda], “Haddii la idin saaro, innaguna [sidoo kale] hubaashii waa idin la bixi doonnaa, oo ma jirto cidna aan idiin maqlayno waligeed, oo haddii la idinla dagaalo, waan idiin hiillinaynaa.” Allaah baase ka marag ah inay yihiin beenaalayaal.
  12. Haddii iyaga [Yuhuudda] la saaro, marnaba [munaafiqiintu] lama bixi doonaan, oo haddii lala daggaalamo, marnaba uma soo hiillin doonaan, oo haddii ay usoo hiilliyaan, waxay [munaafiqiintu] hubaashii jeedin doonaan dhabarka, dabeeto looma gargaarayo.
  13. Xaqiiqdii, idinka [mu’miniinta] cabsida ay [Yuhuudda] idiinku hayso laabahooda baa ka daran tay uga hayaan Allaah, sidaas waxaa ugu wacan waa qoom aan wax fahmayn.
  14. Idiin lama diriri karaan wada jir, inay ku jiraan maahee dhufaysyo dhexdood ama darbiyo gadaashood. Colaadda dhexdooda ah baa daran oo wayn. Waxaad moodaysaa inay yihiin kuwo wada jir ah, qalbiyadooduse waa qaybsan yihiin, sidaas waxaa ugu wacan waa qoom aan wax garanayn.
  15. Waa sida kuwii iyaga wax yar ka horreeyay [Yuhuuddii reer Qaynuqaac], waxay dhadhamiyeen cirib xumadii dhaqankoodii, [oo Aakhirada waxaa u sugan] cadaab xanuun badan.
  16. Waa sida Shaydaan, ee ku yiraahda aadanaha, “Gaalow,” markase uu [qofku] ku gaaloobo Allaah, wuxuu [Shaydaan] yiraahdaa, “Anigu barii baan kaa ahay, anigu waxaan ka cabsanayaa Allaah, Rabbiga uumanka.”
  17. Sidaa awgeed ciribta labaduba waa inay galaan Naar, iyagoo ku waaraya dhexdeeda, waa sidaas jaazada daalimiinta.
  18. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Ka cabsada Allaah, oo qof walbaa waa inuu eego waxa uu u hormarsaday barrito [Qiyaamaha], oo ka cabsada Allaah, xaqiiqdii Allaah waa ka war hayaa waxa aad falaysaan.
  19. Oo ha ahaannina sida kuwa halmaamay Allaah [ku caasiyay] isna markaas uu hilmaan siiyay naftooda [macnaha wuxuu ka yeelay inay hilmaamaan inay fashaan camallo wanaagsan], kuwaas waa kuwa faasiqiinta ah.
  20. Ma sinna ehlu-Naarka iyo ehlu-Jannaha, waa ehlu-Jannaha kuwa liibaanay.
  21. Haddii aan kusoo dajin lahayn Qur’aankaan buur, waxaad hubaashii arki lahayd buurtii oo khushuucsan oo la dildillaacaysa cabsida Allaah darteed, kuwaas waa mataallada aan usoo qaadanno dadka bal inay fakaraan.
  22. Waa Allaah, oo uusan jirin ilaah kale [oo xaq ah] Isaga maahee, ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqda, waa naxariistaha, naxariista badan.
  23. Waa Allaah, oo uusan jirin ilaah kale [oo xaq ah] Isaga maahee, waa Boqorka, Daahirka, Nabadgaliyaha, ammaan bixiyaha, kor ka ilaashaha uumankiisa, awood badanaha, Qasbaha, waynaan badnaha, waa ka nazahan yahay Allaah oo ka sarreeya waxa ay cibaadada la wadaajinayaan.
  24. Waa Allaah, Abuuraha, askumaha wax waliba, Sawiraha. Isaga baa leh magacyada qurxoon. Waxaa nazaha oo nuqsaan ka dheereeya oo ammaana waxa ku sugan cirarka iyo dhulka, waana awood badanaha, xikmadda badan.

Suuradda 60aad: Al-Mumtaxina [Haweentii la Imtixaanayay]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Haka dhigannina cadawgayga iyo cadawgiinna [gaalada, mushrikiinta iyo wixi lamida] gacal idinkoo u muujinaya jacayl xaggooda, iyagoo ku gaaloobay waxa idiin yimid oo xaqa ah, oo waxay ugasoo saareen dibadda Rasuulka [Muxammad] iyo idinkaba [guryihiinnii] inaad rumaysaan Allaah Rabbigiin darted, haddii aad usoo baxdeen inaad u jihaaddaan Arrinkayga iyo inaad dalabtaan Raallinimadayda [haka dhigannina gaalada iyo mushrikiinta gacal]. Waxaad ugu muujisaan gacaltooyo qarsoodi ahaan, Aniguna waan ogahay waxa aad qarinaysaan iyo waxa aad muujinaysaanba. Oo kii idin kamid ah [Muslimiintoy] ee fala sidaas, wuxuu dhabtii ka lumay Jidka Toosan.
  2. Haddii ay idin helaan [idin ka gacan sarreeyaan] waxay idiin ahaan doonaan cadaw, oo idin kula soo fidin doonaan gacmahooda iyo carrabyadooda xumaan, waxayna jecel yihiin inaad gaalawdaan.
  3. Qaraabadiinna iyo carruurtiinnu midna wax idiin ma tari doonaan Maalinta Qiyaamaha, waa la idin kala kaxayn doonaa, oo Allaah waxa aad falaysaan waa arkaa.
  4. Waxaa dhabtii idiin ku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray, markii ay ku yiraahdeen qoomkoodii, “Waxaan innagu barii ka nahay idinka iyo wax kasta oo aad caabudaysaan Allaah sokadi, waan idin ku gaalownay, oo waxaa innaga dhex billowday innaga iyo idinka nacayb abad ah jeer aad rumaysaan Allaah kaliya.” Marka laga reebo qawlkii Ibraahiim ku yiri aabbihi, “Waxaaan xaqiiq kaaga baryi doonaa danbi dhaaf [xagga Allaah], umase lihi wax awood ah aan wax uun kaaga qabto Allaah horti. Rabbiyow! Adigaynu ku tala saarannay, oo xaggaaga u toobad keennay, oo waa xaggaagaa noqodkayaga dambe.”
  5. “Rabbiyow! Ha nooga dhigin fitno kuwa gaaloobay, oo noo danbi dhaaf Rabbiyow, xaqiidii adiga kaliya baa ah awood badnaha, xikmadda badan.”
  6. Waxaa dhabtii idiin ku sugan iyaga ku dayasho wanaagsan oo la raaco, kii kastoo rajeeya [la kulanka] Allaah iyo [abaal siintiisa] Maalinta Aakhiro. Kiise jeesada, xaqiiqdii Allaah waa Qani [hodan ka deeqtoon wax kasta] mudan ammaan oo dhan iyo mahadba.
  7. Waa intaasoo Allaah yeelo dhexdiinna idinka iyo kuwa aad is colaadiseen maxabbad, oo Allaah wax walba waa karaa, oo Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  8. Allaah idin kama reebayo inaad ula dhaqantaan si caddaalad iyo naxariis leh kuwa aan idin kula diririn arrinka diinta oo aan idiin ka saarin dibadda guryihiinna. Xaqiiqdii Allaah waa jecel yahay kuwa u dhaqma sida caddaalada ah eex la’aan.
  9. Wuxuu Allaah idin ka reebayaa kuwa idin kula diriray diinta darteed oo idin kasoo saaray guryihiinna, oo gacanta ka gaystay in la idin soo saaro inaad la saaxiibtaan oo ka dhigataan gacal, oo kii ka dhigta kuwaas sokeeye, waa kuwo daalimiin ah.
  10. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Haddii ay idiin yimaadaan haween mu’minaat ah, iyagoo haajirooyin ah, imtixaana [inay ka dhab tahay iyo in kale diinta], Allaah baa ogsoon iimaankooda, haddii aad ogaataan inay yihiin mu’minaat dhab ah, ha u celinnina gaalada, uma aha afooyin xalaal ah gaalada, oo gaaladuna uma aha [sayo ama niman] xalaal u ah iyaga, oo siiya gaalada [qaddarkii] ay u siiyeen [meher ahaan]. Oo ma jiro wax danbi ah oo korkiinna ah inaad guursataan haddii aad siisaan meherkooda, oo ha u haysannina haweenka gaalada [mushrikiinta] ah afooyin ahaan, oo waydiista [in la idiin soo celiyo] wixii aad bixiseen [meher ahaan] oo iyaguna [gaalada] ha waydiistaan in dib loogu soo celiyo wixii ay bixiyeen [meher ahaan]. Kaasu waa xukunka Allaah uu dhexdiinna xukumay, oo Allaah waa cilmi badane xikmad badan.
  11. Oo haddii ay wax kamid ahi afooyinkiinna idin ka aadaan xagga gaalada oo aad markaas kadib ka heshaan qaniimo [gaalada], siiya kuwii ay afooyinkoodu tageen [oo gaalada ka aadeen] wax le’eg oo u dhigma wixii ay siiyeen [oo meher ah]. Oo ka cabsada Allaah ee ah kan aad rumaysan tihiin.
  12. Nabiyow! Markii ay dumar mu’minaat ah kuu yimaadaan si ay kuula galaan ballan [wacad] inaysan u shariik yeelayn Allaah waxba xagga cibaadada, inaysan wax xadayn, inaysan zinaysanayn, inaysan dilayn carruurtooda, inaysan ku hadlayn wax masabbid ah, iyagoo ula kac u maleegaya been iyo baadil [iyagoo u yeelaya carruur wacal garac ah oo ka dhigaya inay dhaleen nimankooda], iyo inaysan kugu diidayn dhammaan wixii ah macruuf [Tawxiidka Islaamka iyo dhammaan waxa uu Islaamka amro] markaa aqbal baycadooda [wacadkooda], oo uga bari Allaah inuu u danbi dhaafo. Xaqiiqdii Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  13. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Haka dhigannina gacal qoomka ay ku dhacday caradii Ilaahay [Yuhuudda], oo dhabtii ka quustay [inay kala kulmaan wax samaan iyo wanaag ah nolosha dambe ee] Aakhirada, sida ayba gaaladu uga quusteen kuwaa [lagu aasay] qubuuraha [inaan lasoo bixin doonin maalinta soo bixinta ee Qiyaamo].

Suuradda 61aad: As-Saf [Safka | Safafka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waxaa Allaah ka nazaha [xumaan oo dhan] oo ammaana waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka, oo waa awood badanaha xikmadda badan.
  2. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Maxaad u leedihiin wax aydaan falayn?
  3. Waa wax fool xun Allaah agti uu neceb yahay inaad tiraahdaan wax aydaan falayn.
  4. Xaqiiqdii Allaah wuxuu jecel yahay kuwa ku dirira Jidkiisa iyagoo safaf ah aad mooddo dhismo laysku dul dasiyay.
  5. Oo xus markii uu Muusaa ku yiri qoomkiisii, “Qoomkayow! Maxaad ii dhibaysaan idinkoo ogsoon inaan ahay rasuulkii Ilaahay idiin soo diray?” Markii ay ka jeedsadeen [xaqa] buu Allaah sii jeediyay quluubtooda, oo Allaah ma hanuuniyo qoomka ah faasiqiinta.
  6. Oo [xus] markii uu Ciisaa wiilkii Maryam yiri, “Ilma Israa’iilow! Waxaan anigu ahay Rasuul Allaah idiin soo diray, oo rumaysan Towraadda [lasoo dajiyay] hortay, idiinkuna bishaaraynaya rasuul imaan doona gadaashay oo magaciisu yahay Axmad.” Markiise [Axmad, waa Nabi Muxammade] ula yimid xujooyin cadcad waxay yiraahdeen, “Kanu waa sixir iska cad.”
  7. Oo yaa ka dulmi wayn mid ku been abuurta Allaah isagoo loogu yeerayo Islaamka? Oo Allaah ma hanuuniyo qoomka ah daalimiinta.
  8. Waxay doonayaan inay kula damiyaan Nuurka Ilaahay [diinta Islaamka, Qur’aankan iyo sunnada Nabi Muxammad] afkooda. Allaahna waa taam yeelayaa Nuurkiisa haba naceen gaaladuye.
  9. Waa Isaga [Allaah] kan lasoo diray Rasuulkiisa [Muxammad] hanuun iyo diinta xaqa ah, si uu uga sare mariyo diimaha [kale] oo dhan, haba necbaystaan mushrikiintuye.
  10. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Ma idiin tilmaamaa ganacsi idin ka badbaadin doonta cadaab xanuun badan.
  11. Waa inaad rumaysaan Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad], iyo inaad u jihaaddaan Jidka Ilaahay idinkoo u huraya maalkiinna iyo naftiinna, sidaas baa idiin khayr badan haddii aad og tihiin.
  12. Wuxuu Allaah idiin dhaafayaa danbiyadiinna, oo idin galinayaa beero ay wabiyo hoos qulqulayaan iyo guryo wanaagsan oo ku dhex yaal beeraha nagaya [Jannatu Cadni], taas baa ah liibaanta wayn.
  13. Oo wuxuu [sidoo kale idin siinayaa] mid kale [oo wanaagsan] oo aad jeceshihiin, gargaar xagga Allaah ah iyo guul dhow, ee u bishaaree [Muxammadow] mu’miniinta.
  14. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Ahaada kuwa u gargaara [diinta] Ilaahay, sidii uu ku yiriba Ciisaa ina Maryam Xawaariyiintii, “Yaa igu gargaaraya [diinta] Ilaahay?” Xawaariyiintii waxay yiraahdeen, “Innagaa ah ansaartii Ilaahay [yacni waa kuwo u gargaaraya diintiisa].” Markaas bay qaar kamid ah ilma Israa’iil rumeeyeen, oo qaar gaaloobeen. Waxaan ayidnay kuwii [xaqa] rumeeyay [oo ka adkaadeen] cadawgoodi, oo ka muuqdeen [taliyeen dhulka].

Suuradda 62aad: Al-Jumucah [Jumcaha]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Waxaa Allaah ka nazaha nuqsaan oo dhan oo wayneeya waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka, waa Boqorka, Daahirka, adkaadaha xikmadda badan.
  2. Waa Isaga kan usoo diray kuwa ah ummiyiinta [aan wax qorin, waxna akhrin] rasuul kamid ah, isagoo u akhriyaya aayadahiisa, oo ka daahirinaya [qurunka shirkiga iyo macaasida], oo baraya Kitaabka [Qur’aanka iyo xikmadda [Sunnada], waxayna horay u ahaayeen kuwo ku sugan baadi cad.
  3. [Allaah] wuxuu u diray isaga [Nabi Muxammad] sidoo kale kuwo kale oo kamid ah [Muslimiinta] oo aan wali kusoo biirin [laakiinse iman doona], oo [Allaah] waa adkaadaha, xikmadda badan.
  4. Taasi waa fadliga Ilaahay uu siiyo ciddii u doono, oo Allaah waa kan iska leh fadliga wayn.
  5. Mataalka kuwaa lagu aaminay oo la saaray [xilka] Towraadda, haddana aan ku camal falin oo gabay qaadista [xilkaa], waa sida dameer sida kutub culus [aanse waxba ka fahmin]. Xumaa tusaalaha qoomka beeniya aayadaha Allaah, oo Allaah ma hanuuniyo qoomka ah daalimiinta.
  6. Dheh [Muxammadow], “Idinka Yuhuuda aheey! Haddii aad sheegataan inaad tihiin awliyo Ilaahay dadka kale ka sokow, jeclaada dhimasho haddii aad run sheegaysaan.”
  7. Marnabase ma jeclaan doonaan [dhimasho] wixii ay [danbiyo] gacmahoodu horay u gaysteen darteed, oo Allaah waa og yahay daalimiinta.
  8. Waxaad ku dhahdaa, “Dhimashada aad ka cararaysaan hubaashi waa idin la kulmi doontaa, markaas baa la idiin celin doonaa xagga Allaah, ogsoonaha waxa qarsoon aan muuqan [Ghaybka, waxyaalaha maqan aan la arag] iyo waxa muuqdaba, oo wuxuu idiin ka warrami doonaa wixii aad camal fali jirteen.”
  9. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Markii la isugu yeero salaadda maalinta Jimcaha imaada xusidda Allaah [khudbadda Jimcaha iyo salaadda] oo joojiya ganacsiga, sidaas baa idiin khayr badan, haddii aad og tihiin.
  10. Markiise ay dhammaato salaadda [Jumcaha] ku kala faafa arlada, oo ku dalba deeqda Rabbigiin [inaad shaqaysataan], oo xusa Allaah in badan aad liibaantaane.
  11. Marka ay arkaan wax ganac ah ama madaddaalo way aadaan xaggeeda, oo kaa tagaan adigoo [Muxammad] taagan [oo jeedinaya khudbaddii Jumcaha]. Dheh, “Waxa Allaah uu haysto baa ka khayr badan madaddaallo ama ganac kasta. Oo Allaah waa kan u wanaagsan inta wax irzaaqda.”

Suuradda 63aad: Al-Munaafiquun [Munaafiqiinta]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Marka ay kuu yimaadaan [Muxammadow] munaafiqiintu waxay yiraahdaan, “Waxaan markhaati ka nahay inaad tahay Rasuulkii Ilaahay,” oo Allaah waa og yahay inaad tahay Rasuulkiisii, oo Allaah wuxuu markhaati ka yahay inay munaafiqiintu yihiin beenaalayaal.
  2. Waxay ka dhigteen dhaarahooda gaashaan [ay ku qariyaan munaafiqnimadooda] markaasay dadka ka duwaan jidka Ilaahay, ee xumaa waxa ay falaan.
  3. Sidaas waxaa ugu wacan inta rumeeyeen [af ahaan] bay haddana [hoosta] ka gaaloobeen, markaas baa la daboolay qalbiyadooda, marka wax ma fahmaan.
  4. Oo haddii aad aragto, waxaa ku cajab galinaya jirkooda, oo haddii ay hadlaan waxaad dhagaysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyay. Waxay moodaan in qaylo walba iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowgu ee ka digtoonow. Lacnad Alle haku dhacdee, xaggee baa loo iilayaa?
  5. Oo marka lagu yiraahdo, “Kaalaya ha idiin danbi dhaaf dalbee Rasuulka Ilaahay,” waxay u jeediyaan dhinaca madaxyadooda, oo waxaad aragtaa iyagoo la jeedinaya wajiyadooda kibir iyo islawayni.
  6. Waa isugu mid haddii aad u danbi dhaaf dalabto iyo haddii aadan u danbi dhaaf dalbin, marnaba Allaah uma danbi dhaafi doono. Xaqiiqdii Allaah ma hanuuniyo qoomka ah faasiqiinta.
  7. Waa iyaga kuwa yiraahda, “Wax haku bixinnina kuwa la jira Rasuulka Ilaahay, jeer ay ka kala tagaan,” oo Allaah baa iska leh khaznadaha cirarka iyo dhulka, laakiinse munaafiqiintu ma fahansana.
  8. Waxay [munaafiqiintu] yiraahdaan, “Haddii aan u laabanno Madiina waa in kan tabarta lihi [madaxii munaafiqiinta] ka saaraa magaalada kan daciifka ah [waxay ula jeedaan Rasuulkii Ilaahay].” Laakiiinse sharaf, awood iyo cizo waxaa leh Allaah, Rasuulkiisa [Muxammad] iyo mu’miniinta, laakiinse munaafiqiintu ma oga.
  9. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Yaysan maalkiinnu iyo carruurtiinnu idin ka shuqlin xusidda Allaah, oo kii falaa sidaas waa kuwo khasaaray.
  10. Oo bixiya wax kamid ah waxa aan idin ku irzaaqnay, inta aysan geeridu u iman midkiin oo markaas uu yiraahdo, “Rabbiyowl Maad dib ii dhigtid in yaroo muddo ah, si aan u baxsho sadaqo oo aan kamid noqdo suubbanayaasha.”
  11. Oo Allaah dib uma dhigo naf malaggeed galay oo la gaaray ajasheed, Allaahna waa ka war hayaa waxa aad falaysaan.

Suuradda 64aad: At-Taqaabun [Kado]

Ku Bilaabid Magaca Allaah, Naxariistaha, Naxariista Badan.

  1. Waxaa Allaah nazaha oo wayneeya waxa ku sugan cirarka iyo waxa ku sugan dhulka, Isaga baa leh mulkiga, oo Isaga baa leh ammaan idilkeed iyo mahadba, oo wax walba Isaga baa kara.
  2. Waa kan idin abuuray, markaasay qaar idin kamid ah gaalo noqdeen, qaarna mu’miniin, oo Allaah waxa aad falaysaan waa arkaa.
  3. Wuxuu ku abuuray cirarka iyo dhulka xaq, oo waa uu idin suureeyay oo ka dhigay wax wanaagsan suuradahiinna, waana xaggiisa Noqodka Dambe.
  4. Wuxuu og yahay waxa ku sugan cirarka iyo dhulka, oo wuxuu og yahay waxa aad qarinaysaan iyo waxa aad muujinaysaan, oo Allaah waa ogsoonaha waxa ku jira laabaha [dadka].
  5. Ma wuusan idin soo gaarin warka kuwii gaaloobay awal hore? Oo sidaa darteed dhadhamiyay cirib xumadii gaalnimadooda, waxaana u sugnaaday cadaab xanuun badan.
  6. Taasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cadcad [mucjizooyin] waxayse yiraahdeen, “Ma aadane baa nahanuuninaya?” Markaasay gaaloobeen oo [xaqa] ka jeesadeen, oo Allaah ma ahayn mid baahi u qaba [iyaga] oo Allaah waa hodan [ka deeqtoon waxyaalaha loo baahdo oo dhan] mudan ammaan idilkeed
  7. Waxay sheegeen kuwii gaaloobay inaan marnaba lasoo bixin doonin. Dheh [Muxammadow], “Mayee! Waa igu Rabbigay, hubaashii waa la idiin soo bixin doonaa, waxaana la idiin ka warrami doonaa [oo la idin ka jaazayn] wixii aad camal fasheen, oo taasi Allaah waa u fududdahay.”
  8. Ee rumeeya Allaah iyo Rasuulkiisa [Muxammad] iyo Nuurka [Qur’aanka] aan soo dajinnay. Allaahna waxa aad falaysaan waa ka war hayaa.
  9. [Xus] Maalinta uu Allaah idin soo kulmin doono idinkoo dhan Maalinta Kulanka, taasu waa maalin kado oo khayr iyo khasaaroba leh [khayr u ahaaday mu’miniinta iyo khasaaro wayn oo ku dhacaysa gaalada]. Oo kii rumeeya Allaah oo fala camallo wanaagsan oo suubban, wuxuu [Allaah] ka tiri doonaa danbiyadiisa, oo galin doonaa beero [Janno] ay hoostoodu wabiyo qulqulayaan ay ku waarayaan dhexdeeda waligood, taasi waa liibaanta wayn.
  10. Kuwase gaaloobay oo beeniyay aayadahayaga kuwaasu waa ehlu-Naar, iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, iyadaana u xun aayotiin ahaan.
  11. Ma jirto wax masiibo ah oo dhaca ilaa waxay ku dhacdaa Idinka [Qadaha iyo Qaddarka] Allaah, oo kii rumeeya Allaah, wuxuu hanuuniyaa qalbigiisa [oo xasila] Allaahna wax waliba waa og yahay.
  12. Adeeca Allaah, oo adeeca Rasuulka [Muxammad], haddiise aad jeesataan, waxaa saaran Rasuulkayaga oo kaliya gaarsiin cad.
  13. Allaah! Ma jiro ilaah xaq ah aan Isaga ahayn, ee Allaah [oo kaliya] ha tala saarteen mu’miiniintu.
  14. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Xaqiiqdii waxaa kamid ah afooyinkiinna iyo carruurtiinna kuwo cadow idiin ah [macnaha suuragal ah inay idin ka reebaan adeecidda Allaah], ee ka digtoonaada! Haddiise aad iska cafidaan oo saamaxdaan, oo u ceeb asturtaan, xaqiiqdii Allaah waa danbi dhaaf badane, naxariis badan.
  15. Dhabtii maalkiinna iyo carruurtiinna waa fitna [imtixaan], Allaahna agtiisa waxaa ah ajar wayn [Janno].
  16. Ee ka cabsada Allaah intii karaankiinna ah, oo maqla, adeecana [Allaah], oo la baxa sadaqo idinkay idiin roon tahay, oo kii laga badbaadiyo damaca [iyo lexo jecladiisa], kuwaasu waa kuwa liibaanay.
  17. Haddii aad amaahisaan Allaah amaah wanaagsan, waa uu idiin laba laabayaa, danbigiinina wuu dhaafayaa, oo Allaah waa mahad celin badane, dul qaad badan.
  18. Waa ogsoonaha waxa qarsoon [aan muuqan] iyo waxa muuqda, adkaadaha xikmadda badan,

Suuradda 65aad: Ad-Dalaaq [Furriinka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Nabiyow! Haddii aad furaysaan haweenka, fura marka ay joogaan ciddadooda [muddooyinka la qabtay in la furi karo, waa in la sugo tan iyo inta uu dhiigga caadada kaga dhaco, oo ay iska daahiriso, markaas uu furo isagoon taaban oo u tagin], marka ciddada waa waqtiga sharcigu dhigay in haweenka la furi karo [macnaha waa fura iyagoo daahir ah oo dhiiggii caadada ka mayrtay, oo aydaanna u tagin], oo u tiriya [si dhan] ciddadooda [caadooyinkooda] oo ka cabsada Allaah Rabbigiin [Muslimiintoy] oo ha uga saarina dibadda guryahooda [guryaha sayadooda nimankooda] oo yaysan iyaga [naf ahaantoodu] bixin, inay la yimaadeen maahee xumaan cad [gogol dhaaf iyo wixi lamida]. Kuwaas waa xuduudaha Allaah, kiina ka tallaaba xuduudaha Allaah, wuxuu dulmiyay naftiisa. Adigu [midka furayow afadiisa] ma ogid waxaa laga yaabaa inuu Allaah dib ka keeno xaal cusub [waa inaad dib ugu soo ceshatid xaggaaga haddii ay taasi ahayd furiddii koowaad ama labaad].
  2. Markii ay ku dhawaadaan dhammaadka muddadooda la qabtay, dib ugusoo ceshada si fiican ama u kala taga si fiican. Oo u gashada markhaati [kolka aad rabtaan inaad soo ceshataan, ama aad furtaan] labo caddaalad leh oo idin kamid ah [Muslimiin ah] oo u ooga maragga Allaah darti. Taasi waa wacdi [waano] la siiyay kii rumaysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro. Oo kii ka cabsada Allaah wuxuu u yeeli doonaa jid uu kaga baxo [dhibaato kasta].
  3. Oo wuxuu ka irzaaqi doonaa xagga [ilo] uusan marnaba malayn karayn. Oo kii tala saarta Allaah, waa ku filan yahay. Xaqiiqdii Allaah waa fuli doonaa amarkiisa. Allaah wuxuu u yeelay wax waliba qaddar iyo waqti go’an.
  4. Oo kuwaa kamid ah haweenkiinna ee caado goys noqday, haddii aad ka shakidaan [xaydkooda], waa saddex bilood ciddadoodu, oo xagga kuwa aan helin dhiigga caadada [macnaha aan wali qaan gaarin] ciddadoodu waa [saddex bilood] sidoo kale, kuwa uurka leh [haddii ay yihiin kuwa la furay ama nimankooda dhintaan] ciddadoodu waa intay ka dhigaan [culaysyadooda oo ka dhalaan]. Oo kii ka cabsadaa Allaah wuxuu uga dhigi doonaa arrinkiisa wax u fudud.
  5. Kaasu waa amarka Allaah uu idiin soo dajiyay, oo kii ka cabsadaa Allaah wuxuu ka tiri doonaa danbiyadiisa, oo u waynayn doonaa ajarkiisa.
  6. Dajiya iyaga [haweenka la furay ee ciddada ku jira] meesha aad daggan tihiin, hadba sida karaankiinnu yahay, hana kula dhaqmina si xun oo dhibaato leh oo ku qasabta inay tagaan. Oo haddii ay leeyihiin uur, markaa masruufa intay ka dhalaan, dabadeed haddii ay idiin nuujiyaan ilmaha, siiya ujuuradooda ay mutaan, oo midkiin walbaa haku qaato oo aqbalo waanada kan kale si wanaagsan, haddiise uu dhibaatooyin kala kulmo midkiinba kan kale markaa haween kale waa u nuujin karaan [aabaha ilmaha].
  7. Kan hodanka ahi wax ha u bixiyo sida uu wax u haysto, oo ninkii ilaha ay wax kasoo galaan ciriiri yihiin, wax ha u bixiyo sida Allaah wax u siiyay. Allaah ma saaro culays qofna dhaafsiisan waxa uu siiyay. Allaah wuxuu yeeli doonaa dhibaatada kaddib fudayd iyo faraj.
  8. Oo maxay badan tahay magaalo ku kacdoontay amarka Rabbigeed iyo Rusushiisa, oo aan ugu yeernay xisaab daran [yacni cadaab noloshan adduunka gudaheeda], oo aan ku cadaabi doonno cadaab adag [Naarta gudaheeda].
  9. oo dhadhamisay cirib xumadii gaalnimadeeda, ciribteedina ku dambeysay khasaaro.
  10. Allaah wuxuu u diyaariyay kuwaa cadaab daran, ee ka cabsada Allaah wax garadkow [Xaqa] rumeeyay, wuxuu Allaah idiin soo dajiyay Waano [Qur’aan].
  11. [oo sidoo kale idiin soo diray] Rasuul [Muxammad] idiin akhriyaya Aayadaha Ilaahay ee cadcad, si uu ugaga saaro kuwa [Xaqa] rumeeyay oo fala camallo wanaagsan oo suubban mugdiyada [shirkiga iyo macaasida] xagga nuurka [Iimaanka iyo camallada wanaagsan], oo kii rumeeya Allaah ee fala camallo wanaagsan oo suubban wuxuu Allaah galin doonaa beero [Janno] ay hoostoodu wabiyo qulqulayaan iyagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, wuxuu Allaah dhabtii ugu deeqay rizqi wanaagsan.
  12. Waa Allaah kan abuuray toddoba cirar, dhulkana intaa oo kale [ka abuuray yacni toddobo], Amarkiisa wuxuu kasoo dagaa dhexdooda [cirarka iyo dhulka], si aad u ogaataan inuu Allaah wax walba karo, iyo in Allaah ku koobay wax walba cilmi.

Suuradda 66aad: At-Taxriim [Iska Xaaraamayn]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Nabiyoow! Maxaad uga xarimaysaa [naftaada] waxaa uu Allaah kuu xalaaleeyay si aad u raalli galiso xaasaskaaga? Oo Allaah waa danbi dhaaf Badane, Naxariis badan.
  2. Allaah wuxuu horayba idiin ku farad yeelay idinka [dadow] furidda dhaaryahiinna. Oo Allaah waa Mawlahiin [Rabbigiin, Mudanahiin, Gacalkiin, Ilaaliyihiin], oo Isaga baa ah Cilmi Badanaha, Xikmadda Badan.
  3. [Oo xus] markii uu Nabigu ku qarsaday arrin sir ah mid kamid ah xaasaskiisa [Xafsa Alla haka raalli noqdee], markii ay u sheegtay arrintaa [mid kale waa Caa’isha Alla haka raalli noqdee], oo Allaah u daahiriyay, wuxuu uga warramay [xaaskiisii] qaar kamid ah wixii ay sheegtay oo iska daayay qaar. Markii uu u sheegay arrinkaa, waxay tiri, “Yaa kuu sheegay waxakan?” Wuxuu [Nabigu] yiri, “Waxaa ii sheegay wax walba ogaha, war qabeenka ah [Allaah].”
  4. Haddii aad Allaah u toobad keenaysaan inkastoo qalbiyadiinna iisheen [idinka bay idiin roon tahay oo Allaah waa idiin danbi dhaafayaa], haddiise aad isu kaalmaysataan Nabiga [dhibkiisa], xaqiiqdii Allaah baa ah gargaarahiis, iyo Jabriil iyo suubbanayaasha ku jira mu’miniinta, oo malaa’igta [kale] baa intaas kaddib caawinaysa.
  5. Waa intaasoo haddii [Nabigu] idin furo uu Rabbigi siin doono baddalkiin afooyin idiin ka khayr badan, ah muslimaat, mu’minaat, adeecooyin, toobad keenooyin, caabidooyin, soomooyin, leh garoobbo iyo bikrooyinba.
  6. Kuwa [xaqa] rumeeyow! Ka dhowra nafahiinna iyo qoysaskiinna Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagaxaan, Naartaa oo ay u xilsaaran yihiin malaa’ig qalqallafsan oo adadag oo aan caasiyin [fulinta] amarrada kaga yimaada xagga Allaah, oo fala wixii la amro.
  7. [Waxaaa la oran doonaa Maalinta Qiyaamaha] Kuwa Gaaloobow! Ha cudur daarannina Maanta [Qiyaamaha]. Waxaa la idin ku jaazayn oo kaliya wixii aad camal fali jirteen.
  8. Kuwa [xaqa] rumeeyow! U toobad keena Allaah toobad san, waa intaasoo Rabbigiin idiin dhaafo danbiyadiinna, oo idin galiyo beero ay hoostoodu wabiyo qulqulayaan, Maalinta uusan Allaah hoojin doonin Nabiga [Muxammad] iyo kuwa [xaqa] la rumeeyay, nuurkoodu wuxuu socon doonaa hortooda, iyagoona ku haysta [kutubta camalladooda] gacmahooda midig waxay oran doonaan, “Rabbiyow! Noo dhammaystir nuurkayaga [oo ha naga bakhtiin jeer aan ku dhaafno Siraadka (buundo sambariiraxsho badan oo Naarta dusheeda ku taal) si nabad ah] oo noo danbi dhaaf. Xaqiiqdii Adigu wax walba waad kartaa.”
  9. Nabiyow [Muxammad]! La jihaad gaalada iyo munaafiqiinta oo ku qallafsanow, hoygooduna waa Naar, iyadaana u xun meel la ahaado.
  10. Allaah wuxuu tusaale uga dhigay kuwa gaaloobay xaaskii Nuux iyo xaaskii Luud, waxay hoos joogeen labo addoon oo kamid ah addoomahayaga suubban, wayse khiyaameen [nimankooda iyagoo diiday rumaynta risaaladooda] sidaa darteed iyagu [Nuux iyo Luud] waxba ugama ay tarin [xaasaskoodu] xagga Allaah. Oo waxaa la yiri [afooyinkaa xumaa] “La gala Naarta kuwa galaya.”
  11. Oo Allaah wuxuu uga dhigay tusaale kuwa [xaqa] rumeeyay, marwadii Fircoon, markii ay tiri, “Rabbiyow! Iiga dhis guri agtaada Jannada dhexdeeda, oo iga samata bixi Fircoon iyo camalkiisa, oo iga samata bixi qoomka ah daalimiinta.”
  12. Iyo Maryam, gabadhii Cimraan taa oo xafidday cadraannimadeeda, oo waxaan ku afuufnay [jeebka cambuurkeeda] iyadoo uu afuufay Ruuxayaga [Jabriil] oo waxay rumaysay Kalmadihii Rabbigeed iyo Kutubtiisaba, oo waxay kamid ahayd kuwa Allaah adeeca.

Suuradda 67aad: Al-Mulk [Xukunka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan

  1. Waxaa khayr iyo barako badnaaday [Allaah] oo ah Kan xukunku jiro gacantiisu oo wax walbana Kara.
  2. Kan abuuray dhimashada iyo nolosha, si uu [dadow] idiin imtixaano bal kiinna camal wanaagsan, oo [Allaah] waa Awood Badanaha, Danbidhaafka Badan.
  3. Kan abuuray toddobada cirar oo midba midka kale ka korreeya, ku arki meysid abuurka Raxmaanka [Allaah] wax isweydaar ah, ee ku celi aragga, ma ku aragtaa wax dillaac ah?
  4. Misna ku celi aragga mar kale, waxaa kugu soo laabanayaa araggu isagoo dullaysan oo daallan.
  5. Oo Waxaan dhabtii ku qurxinnay cirka soke nalal [xiddigo], oo Waxaan ka dhignay xiddigahaa kuwo lagu gano shayaadiinta, oo waxaan u diyaarinnay cadaab Naar holceysa ah.
  6. Oo waxaa u sugnaaday kuwa ku gaaloobay Rabbigood cadaabta Naarta, oo aayo xun.
  7. Marka lagu tuuro Naarta, waxay ka maqli doonaan hinraag daran, iyadoo karaysa.
  8. Waxay ku sigan inay la qaraxdo caro. Mar kasta oo lagu tuuro guuto [gaalo ah], wuxuu su’aalaa waardiyaheeda, “Ma wuusan idiin imaan dige?”
  9. Waxay oran doonaan, “Haayoo dhabtii wuu noo yimid dige, waanse beeninnay oo niri, “Allaah masoo dejin wax [waxyi ah], waxaad idinku ku sugan tihiin baadi wayn.”
  10. Oo waxay [gaaladu] oranayaan, “Haddii aan wax maqli lahayn ama garowsan lahayn [Xaqa], ma aanaan ahaaneyn ehlu-Naar.”
  11. Waxay qiran doonaan dambigoodu, ee ha fogaadeen qolada Naarta hureysa.
  12. Xaqiiqdii! Kuwa ka baqa Rabbigood iyagoo aan arag [arag Isaga, iyo cadaabtiisa Aakhirada, iyo waxa lamida] waxay leeyihiin Dambidhaaf iyo Ajar Wayn.
  13. Ama hoos u dhiga hadalkiinna [sir ahaan] ama saaq [kor u qaada], xaqiiqdii [Allaah] waa Og yahay waxa ku jira laabaha [dadka].
  14. Sow ma uu yaqaan kii abuuray [uumankiisa]? Oo waa Isaga Turid badanaha, u Roonaanta Badan [addoomahiisa] ka War Haya [wax walba].
  15. Waa Kan idiinka dhigay dhulka hayin, ee ku socda waddooyinkiisa, oo wax ka cuna rizqigiisa [rizqiga Allaah], oo Xaggiisa bay ahaan doontaa u soo Bixiddu.
  16. Ma waxaad ka aamin tihiin in Kan [Allaah] ee ka kor ah cirka idinla gooyo dhulka, oo ay idin la dhaqdhaqaaqdo?
  17. Mise waxaad aamin ka tihiin in Kan [Allaah] ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul [hongor ama holon] oo habaas wadata? Waadse ogaan doontaan sidee mid daran u aheyd Digniinteydii?
  18. Oo waxaa dhabtii [Xaqa] beeniyay kuwii ka horreeyay, ee sidee mid daran u aheyd Ciqaabteydii.
  19. Mawaysan arkayn shimbiraha korkooda dulduulaya ee marna fidinaya baalashooda oo marna isku laabaya? Ma jiro wax haya aan ahayn Raxmaanka [Allaah]. Xaqiiqdii, wax walba waa uu Arkaa.
  20. Waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan ahayn hodnaan.
  21. Waa kee kan wax idin siin kara haddii uu [Allaah] ceshado Rizqigiisa? Mayee, waxay ku talax tageen kibir iyo xaq diidnimo.
  22. Ma mid ku socda isagoo aan waxba arkayn Wajigiisa, baa hanuunsan mise mid [wax arka] oo ugu socda si toosan oo siman Jid Toosan [Islaamka].
  23. Dheh, “Waa Allaah Kan idin abuuray, oo idiin yeelay maqalka [dhego], arragga [indho] iyo laabo. Yaraa inta aad shukridaan!”
  24. Dheh, “Waa Allaah Kan idinka abuuray dhulka, ee Xaggiisa la idiin kulmin doono.”
  25. Waxay oran doonaan, “Waa goorma yaboohakani haddii aad run sheegeysaan?”
  26. Dheh [Muxammadow], “Allaah baa Og [waqtiga ay ku beegan tahay] oo anigu waxaan ahay dige iska cad.”
  27. Markayse arkaan Naarta oo kusoo dhow, wejiyada kuwa gaaloobay waxay ahaan doonaan kuwo geddisan [madow, kuduudsan. murugo saaran tahay], oo waxaa lagu oran doonaa, “Waa kan [yaboohii] aad u yeeranayseen.”
  28. Dheh [Muxammadow], “Bal ka warrama, haddii Allaah i halligo aniga iyo inta ila jirta, ama noo naxariisto, yaa ka badbaadin doona gaalada cadaab xanuun badan?”
  29. Dheh, “Allaah waa Raxmaanka [Naxariistaha], waan rumeynay, oo talo saarannay, waadse ogaan doontaan [gaaloy] cidda ku sugan baadi cad.”
  30. Dheh [Muxammadow], “Bal ka warrama, haddii ay biyihiinnu dhulka ku guraan oo hoos ugu sii fogaadaan, yaa idin siinaya biyo il saafi ah oo soconeysa?”

Suuradda 68aad: Al-Qalam | Nuun [Qalinka]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Nuun [xarafkani iyo xarfaha kale ee kusoo arooray billowga suuradaha qaarkood waxay ku tusinayaan mucjizada Qur’aanka, oo Allaah oo Keliya baa Ogsoon muraadka uu ka leeyahay iyo waxa uu ula jeedo]. Waa igu Qalinka iyo waxa ay [malaa’igtu] ku qoraan [kutubta camalka dadka].
  2. Adigu [Muxammadow] ma tihid, waa igu Nicmadda Rabbigaa, nin waalan.
  3. Oo waxaa kuu sugnaaday [Muxammadow] ajar aan go’ayn.
  4. Oo waxaad [Muxammadow] ku sugan tahay dabeecad san oo sare.
  5. Waad arki doontaa, iyaguna way arki doonaan,
  6. Kiinna waalan [ama la cadaabo].
  7. Xaqiiqdii, Rabbigaa baa Ogsoon kan ka dhumay Jidkiisa, oo Isaga baa ogsoon kuwa hanuunsan.
  8. Ee [Muxammadow] ha adeecin beeniyayaasha.
  9. Waxay jecel yihiin inaad usoo dabacdo [oo uga tanaazusho wax kamid ah Xaqa], iyaguna kuu soo dabcaan.
  10. Oo ha adeecin mid kastoo dhaar badan, aan qiimo lahayn.
  11. Xamasho badan, u socod badan diradiro [namiimo].
  12. Khayrlaawe ah, xad-gudbe, dambiile ah.
  13. Macangag madax adag, intaasoo dhan ka sokow sheegato ah [sharci ku dhalan].
  14. [Wuxuu sidaa u ahaaday] sababta oo ah inuu leeyahay maal iyo wiilal.
  15. Marka loo akhriyo Aayadahayaga [Qur’aanka], wuxuu yiraahdaa, “Waa sheekooyinkii dadkii hore.”
  16. Waxaan summad kaga dhigi doonnaa sanqaroorka.
  17. Waxaan xaqiiqdii u imtixaannay sidii loo imtixaanay qoladii beerta, markii ay ku dhaarteen inay goostaan mirihii [beerta] aroorta hore.
  18. Iyagoon oran haddii Allaah idmo.
  19. Waxaase beertii uga yimid amar [dab] xagga Rabbigaa habeennimadiiba oo gubtay intii ay hurdeen.
  20. Waxayna noqotay xaabo madoobaatay oo la shafay.
  21. Markaasay isu dhawaaqeen subaxii
  22. Iyagoo leh, “Ku kallaha beertiinna haddii aad goosanaysaan miraha.”
  23. Markaas bay tageen iyagoo codka hoos u dhigaya [iyagoo ku tashaday]
  24. Inaan beerta maanta soo galin miskiin.
  25. Waxayna kallaheen subaxii hore, iyagoo diiddan [inuu usoo galo miskiin].
  26. Markiise ay arkeen [beertii] sida ay noqotay, waxay yiraahdeen, “Malaha waan soo dhunnay.”
  27. Misna way is garteen oo yiraahdeen, “Mayee waa nala dhaafiyay [mirahii] beerta.”
  28. Markaasuu koodii u wanaagsanaa intoodii yiri, “Miyaanan idinku oran, ‘Allaah Wayneeya oo Waxida?’”
  29. Waxay yiraahdeen, “Allaa wayn oo waaxid ah oo xumaan ka Nazahan. innaguna waannu xadgudubnay.”
  30. Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday, iyagoo is eedeynaya.
  31. Waxay yiraahdeen, “Magaceen ba’ye, innagu waan xadgudubnay.”
  32. “Waase intaasoo uu Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan tani. Waxaan innagu u toobad keennay Rabbigayo [innagoo u jeedna samaan si uu noogu dhaafo denbiyadayada, oo noo siiyo ajar wanaagsan Aakhirada].”
  33. Sidatani waa ciqaabka [noloshan], ha yeeshee run ahaan, ciqaabka Aakhirada baa wayn oo daran, haddii ay ogaan lahaayeen.
  34. Xaqiiqdii, kuwa ka dhowrsada xumaha [waxay ku leeyihiin Rabbigood agtiisa beero barwaaqo ah [Janno].
  35. Ma Muslimiinta baan kala mid dhigeynaa mujrimiinta [mushrikiinta, gaalada, danbiilayaasha, iyo waxa lamida]?
  36. Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u guddoomisaan?
  37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan?
  38. Inaad ka heleysaan wixii aad doorataan?
  39. Mise waxaad naga haysataan ballan xaggayaga ah, gaaraya ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad leedihiin wixii aad xukuntaan?
  40. Weydii koodii uga ah arrinkaas damiin.
  41. Mise waxay leeyihiin shariigyo? Ha keeneen shariigyadooda haddii ay run sheegayaan.
  42. [Xus] Maalinta marka dhudhunka feydi doono [waa Maalinta Qiyaamaha] oo waxaa loogu yeeri doonaa inay u sujuudaan [Allaah], mase karayaan [munaafiqiinta inay sujuudaan]
  43. Indhahoodu waxay ahaan doonaan kuwo hoos u rogan, dulli baa dabooli doona, waxayna ahaayeen [noloshii adduunka] kuwo loogu yeero sujuudda iyagoo fayow [laakiinse ma ay yeelin].
  44. Ee isu kaaya daa Aniga iyo kuwa beeniya Qur’aankan, waxaan ka ciqaabi doonnaa ciqaab gaatan ah jihooyin aysan fileyn.
  45. Oo Waxaan siin doonaa kansho. Xaqiiqdii, Qorshaheygu [tabteydu] waa mid xoog badan.
  46. Mise waxaad [Muxammadow] weydiisataa ujro, sidaa awgeed ay la culaabeysan yihiin deyn?
  47. Mise Ghaybka [waxa qarsoon ee aan muuqan, halkan Aayaddan waxaa loola jeedaa Lawxul Maxfuud] baa ku jira gacmahooda, oo sidaa darteed ay wax ku qoraan?
  48. Ee ku sabar Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sidii rafiiqii nibiriga [Nabi Yuunus], markii uu noo dhawaaqday [Annaga] isagoo walbahaarsan.
  49. Haddii aysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, wuxuu hubaashii ahaan lahaa [mid looga tegay caloosha nibiriga laakiinse waan u danbi dhaafnay] sidaa darteed wuxuu ahaa mid lagu soo tuuray xeebta bannaan isagoo eedeysan.
  50. Waxaase doortay Rabbigiisoo ka mid yeelay kuwa wanaagsan.
  51. Oo waxay ku sigan kuwa gaaloobay inay wax kugu yeelaan indhohooda [dhabatada] naceyb gala awgiis markii ay maqlaan Waanada [Qur’aanka], oo waxay yiraahdaan, “Kani [Muxammad] waa waalan yahay.”
  52. Wax kalese ma aha [Qur’aankan] aan ahayn Waano ku socota uumanka.

Suuradda 69aad: Al-Xaaqqah [Xaqiiqda]

Ku billaabid magaca Allaah, naxariistaha, naxariista badan.

  1. Xaqiiqda dhacaysa [waa Maalinta Qiyaamaha].
  2. Maxay tahay xaqiiqda dhaceysa?
  3. Oo maxaa ku ogeysiiyay waxa a